Koll på pengarna 2015 Somaliska

Transcription

Koll på pengarna 2015 Somaliska
2015
Lacagtaada Ogow
BILAASH
QOYSKA JOHANSSON KU DAYO
KAALMO KU AADAN MIISAANIYADDAADA
Talo iyo talo-siin
lacagahaaga ku saabsan
LACAGTAADA OGOW
Dhaqaalahaaga
Waxaad jeceshahay in lacagtaada bisha oo dhan ku gaarsiiso, bil kasta. Waxaad
haysataa qayb aad jeceshahay in aad keydsato balse aadan aqoon sida. Waxaad
jeceshahay in lacagahaaga aad kontoroosho balse halka laga bilaabi la'haa aan la
ogayn. "Lacagtaada ogow" waxaa kaa caawinnayaa guud ahaan in lacagahaaga
aad kor kala socoto oo miisaaniyad aad samaysato si himilooyinkaaga aad u gaarto.
Maxay kula tahay
Buug yarahan "Lacagtaada ogow" dhexdiisa, Anne ayaad
la soconaysaa iyo sida iyadu iyo seddexdeeda carruur ay
lacagtooda oo ah hal jeeg oo mushaar ay u wada gaarto.
Hay'adda Macmiilka ee Swedish ayaad ka aqrin kartaa
waxyaabo ku saabsan qiyaasaha noocyada kala duwan
aqalka qoyska iyo halka aad uga hagaagi la'hayd haddii ay
jiraan dhibaatooyin kaa haysta dhanka dhaqaalahaaga.
Booqo boggan www.www.enkat.kov.se
oo inaga caawi si "Lacagtaada Ogow"
aan u wanaajinno. Daqiiqado dhowr
ah kaliya ayay kugu qaadanaysaa si
aragtidaada aad noogu soo gudbiso.
Sidoo kale su'aallaha jawaab-celinta
summadda QR ayaad ka heli kartaa.
Ma doonaysaa in lacag badan aad kaydsato?
Waxaad markaa isku dayi kartaa in daqligaaga aad
kordhiso ama kharashkaaga hoos u dhigto midkood.
Haddii aad doonaysid in kharashkaaga aad yareyso,
waxaad bilaabi kartaa in aad xisaabto inta kaaga soo hari
karta kharashka waxyaabo dhowr ah ee aad soo iibsato.
Qaybta Miisaaniyadda ka hadlaysa ee bogga 23, Marka
hadda miisaaniyad ayaad samaysatay oo loogu talagalay
sida aad jeceshahay in lacagahaaga u kharashgarayn la'had.
Marka hadda howsha dhiman ayaa waxay tahay sida aad
ku bilaabi la'hayd miisaaniyaddaada!
Talo-siin
Sida shaxanka loo buuxiyo
Shaxanka hoose buusi, iyo shaxanka ku qoran bogga 8 iyo bogga 21.
Wadarta guud bogga 23 ku soo wareeji. Sidoo kale kharashaadka
kale ku qor qaybta hoose ee shaxanka. Hadda guud ahaan waxaa kuu
muuqda daqligaaga iyo qarshkaaga iminka. Si sahal ayaad u arki kartaa
lacagtaada halka ay kaaga baxdo.
Ku wada qor oo
xisaabi!
Shaxanka gudi ee sadarka dhibic-dhibacda ah
buuxi oo sahal isugu dar.
Daqliga
Daqaliga aqalka qoyska soo gala shaxanka hoose ku qor.
Waxkasta isku dar oo shaxanka bogga 23 ku qor.
Dakhliga bisha, manfacyada, gunnada iyo
mushaharka canshuurta ka dib
Xubnaha aqalka
qoyska 1
Xubnaha aqalka
qoyska 2
Isu-geyn
Mashahar
Manfaca waalidka
Gunnada dhallaanka
Masaruufka canuga/masaruufka gacan ku haynta
Gunnada guriga
Manfaca baagamuudo
Gunnada Iskuulka/Gunnada tabbabarka
Manfaca jirrada
Xaq siinta jirrada iyo xaq siinta dhaqdhaqaaqa
Caymiska howl-gabka
Daqli kale (gunno, deeq-waxbarasho, iwm.)
Guud ahaan dakhliga bisha ee canshuurta ka dib
Marka shaxanka aad buuxiso ka dib, wadarta guud ee ku qoran sadarka "Daqliga guud" ee bogga 23.
2
LACAGTAADA OGOW
Waalid kaliya oo seddex
carruur ah haysta
Dhabada baaskiilka, gudaha horjoogaha
ganjeelka, waa guryaha isku xigxigga
waa halka Anne ay ku nooshahan iyada
iyo seddexdeeda carruur. Deriskooda
meel aad ugu dhow ayay iskula nool
yihiin, oo goobta ciyaartana albaabkooda
hortiisa ayay ku taalaa. Guriyaha kirada
iyo guriyaha iskaashiga halkan way isku
dhexjiraan, oo carruurta midba midka
kale gurigooda ayay galaan oo ayna ka
soo baxaan.
"Waa meel Dexter, afar jirkayga aad ugu wanaagsan!
Uma baahni in aan ka welwello inuu wadada ku ciyaaro,
maxaa yeeley dadka oo dhan way iswada yaqaaniin oo
baabuurtana looma ogola," Anne ayaa tiri.
Waa qof 40 jir ah, oo 5 sanno ka hor ayaa guriga waxay
ka iibsatay afka Oxelösund. Guriga waa la buuxaa goorta
wiilkeeda kan ugu wayn ee 20 jirka ah, iyo gabadheeda
Emma, ee 18 jirka ah, halkan ay ku noolyihiin. Markiiba
labada todobaad ayay waalidiintooda ula joogaan. Anne
iyo seygeeda hore meelo kala gooni ah ayay ku kala
noolaayeen markii carruuta ay yar-yaraayeen, laakin
labadoodaba Oxelösund ayay weli ku nool yihiin. Si
wadajir ah ayay carruurta uga wada shaqeeyaan oo
kharashkana way wadaagaan. Dexter mar kastaba Anne
ayuu la joogaa oo uu la nool yahay. Waa sida gantaal yar,
waa qof muhiim u ah qoyska.
"Inagu isku heer baan ka soo horjeesannaa, inaga oo
dhan, sagxadda inagoo boon-baladiisa ay na agyaalliin ama
soofada wada fadhina oo daawanayna filim carruurta,"
Anne ayaa inoo sheegtay.
Dexter carruurta deriska ayay la ciyaaraysaa. Xaafadda waa meel aan baabuur soo
marayn, sidaa darteed Anne uma baahna in baabuur soo mara ay ka welwelsho.
waan keydsanayaa. Taa waxaa raacsan waqti ayaa igu
dhowrsamaya; marka aan guriga tagana waa goor aan
more hore jimicsi helay," ayay tiri.
Maadaama ay Anne in badan baaskiil wadato, caymiska
gurigeeda waxay ku kabtay caymiska caafimaadka iyo
caymiska nafta, si ay kor ugu qaado oo carruurteeda ay
dhaqaale la isku hubo u helaan haddii iyada wax uu ku
dhaco. Goorta caymiska ugu wanaagsan ay raadinayso,
waxay heshay caymis shuruudi wanaagsan leh oo qiimaha
ku wanaagsan ee caymiska canuga iyo baabuurkeeda
labadaba. Markiiba way badellatay
Goobta ku haboon
Mas'uuliyadeeda ayay iska saartay
Markii hore, Anne waxay baran jirtay in ay macalin iskuul
noqoto, balse iyadoo ay hal sanno ay shahaadidii uga
dhiman tahay biririf ayay shaqadii ka qaadatay. Shaqo
ayaa waxay ka heshay Xabsiga Swedish iyo Adeega Tijaabo
gelinta [Swedish Prison and probation service], oo weli
halkaas ayay ka shaqaysaa.
"Anigu sidaydaba waxaan ku sugnahay goob igu haboon!
Howsheedaydu waxay tahay in aan hubiyo dadka lagu helay
dambi ay helaan caawinnaada ay u baahan yihiin si nolol
aan dambi ka maqan ay ugu noolaadaan." saas ayay tiri.
Anne 25 kiilomitir ayay ku tagtaa kaga soo noqotaa inta
ay usocoto Nyköping oo seddex maalmood ayay ku tagtaa
inta lagu jiro xiliga xagaaga. Tan si ay umaarayso, baaskiil
dhab ahaantii aad u fiican ayay soo iibsatay.
"Waa wixii iigu muhiimsanaa ee aan soo iibsado!
Jirkaygana wuu ku dhismayaa oo lacagtii bansiinkana
Sida hal waalid kaliya oo seddex carruur leh, Anne
waxay markastaaba ahayd mid dagaal kula jirta si
nolol maalmeedka usoo dhicsi la'hayd. Pontus iyo
Emma labadaba waa dad muddo dheerba loo daayay in
xoolahooda ay kaligood maareystaan. Tan ilaa markii 15
jirka ay ahaayeen, waxay mas'uul ka ahaayeen labiskooda
iyo telefoonka gacanta; haddii deeqda ardaydooda aysan
ku filnayn, waxay ku qasban yihiin in lacagtooda ay
kasbadaan. Pontus waxay bilowday in dugsiga sare ka
dib ay shaqooyinka xilliga xagaaga ka shaqayso, dekada
halka aabbahiisa ka shaqeeyo. Emma kamaryeerinimo
ayay ka shaqaysataa inta dugsiga sare ay ku jirto. Waxay
doonaysaa in ay awoodi karto si ay isaga bixiso safarada ee
barafka lagu soo ordo iyo xafladdaha ay tagayso in ay ku
jirto sannadka ugu dambeeyo ee iskuulka.
3
Qoyska, way issoo urursadeen. Dhanka beddex ka bilow: Emma, Anne, Dexter iyo Pontus. Laba sanno gudahood, miiska waxaa kaliya isku soo hari doona Anne iyo
Dexter. Pontus dibadda ayuu waxbarasho u aadi doonaa, oo Emma waxay doonaysaa in Jaamacadda Lund University ay dhigato.
Anne iyo aabbaha carruurteeda wayn ayaa ka
caawinnayay in ay bixiyaan kharashka ku baxa sida
ciyaaraha iyo waxabarashada. Ayaamahan ugu dambeeyay,
waxaa socday wadahadallo badan oo ku saabsan lacag
dheeraad ah goorta ay bannaanka jiraan iyaga iyo
asxaabtooda oo ay ciyaarta ku maqan yihiin. Laakin
hadalka Anne waa mid iska cad:
"cunto guriga ayay ka heli karaan." Haddii ay
doonayaan in bannaanka ay cunto ka soo cunnaan,
taas iyaga ayay quseysaa. Marka iyaga ayaa lacagtooda
baxsannaya," ayay tiri.
Talaajada indho kulul lagu hayo
Anne ayaa ah qofka koowaad ee cuntada mas'uulka ka ah.
Iyadaa soo adeegta, go'aamissa wixii la soo iibin la'haa,
iyo wixii la karin la'haa. Carruurta way korayaan, oo
waxaa intaa dheer maadaama ay iyadu tahay qof in badan
jimicsi sameeya, kharashkeeda badi cunto ayay ku baxdaa.
Tan ayaa waxaa si fiican loo ogaadaa inta lagu jiro fasaxa
iskuulka, goortaasoo ah waqti carruurta iskuulka aysan
wax ku soo cunnayn oo fasaxa lagu jiro. Si kharashka
hoos loogu dhiggo, Anne qiimaha ayay markastaaba isku
barbardhigtaa oo waxay soo iibsataa waxyaabaha ugu
raqiiska ah. Waxay iskudaydaa qaab xilliga waafaqsan u
dukaamaysato, laakin cuntada maxaliga ah iyo sida dabiica
loo beeray ayaa badanaaba ah cunto qaali ah. Maadaama
ay isha ku hayso talaajaa waxa ku jiro, uma baahna in
cunto ay beer-darayso; wixii guriga yaalla way karisaa.
Laakin Emma ma jecla cuntada Anne ay inta badan kariso.
"Goorta aad uurka la'hayd, wax kasta aniga ayaa karin
jiray," ayay tiri.
Dharka waala kala qaataa
Anne dharka iyo kobaha lacag badan ugama baxaan,
iyada ama carruurteedaba. Pontus iyo Emma iyaga ayaa
dharkooda soo iibsada, oo Anne dhar-duug ah ayaa waxay
ka soo iibsataa Dexter oo ah saaxiibadeeda.
"Laba bac oo kobo ah ayaa qolka kobaha ku jira ugu
kaydsan oo jinkiisa noqon doona. Sida badan waxaa ka
fekiraa haddii aan usoo iibiyo wax horeyba uu u haysto,"
ayay tiri.
4
Goorta Dexter dharka uu ku yaraado, sida badan waxaa
jira qof asxaabteeda ka mid ah oo isticmaalaya.
"Hooyo, waa in jimicsiga aad iska joojisaa"
Maadaama Pontus uu dugsiga sare dhammeeyay oo uu
bilaabay in shaqaysto lacag oo isaga iska leeyahay, Anne
waxay ka dalbatay in uu iska bixiyo lacagta guriga lagu
deggan yahay qaybtiisa. Wadahadal kulul ayaa dhacay oo
looga hadlayay inta uu bixin karo. Waqti ka dib, way ku
kacday.
"Pontus iyo Emma waxaan siiyay xisaab yar, bac
nacnac iyo dhammaan rasiid oo ah, warqaddaha koontada
bangiga, iyo kharashka bangiga ee bilihii la soo dhaafay.
Wa kan haddana, xisaabi kharashka adiga kugu baxa!
Saacaddo ka dib way wada dhammeeyeen, oo iyagoo si
qotodheer ah uga wadahadlay dhaqaalaha qoyska, lacagta
carruurta ay aqalka soo gelinnayaan, iyo kharashaadka
kale ee baxa. Pontus waxay tiri 'Hooyo, waa in jimicsiga
aad iska joojisaa" Kharash badan ayaa ku baxa!' ”
Wadahadalka wuu sii socday, laakin hadalkii lacagta ee
laga hadlayay waa soo xirmay oo waxaa la bilaabay in laga
hadlo sida reerka looga kaalmayn la'haa dhar dhaqida,
nadiifista, iyo nadaafadda. Si waaqici ah, hadalkii wuxuu
ujaanjeeray in laga hadlo baaskiilkii ay Anne soo iibsatay
oo ay bilaabtay in shaqada ay ku tagto. Xaqiiqaddan
markay soo baxday ka dib, Anne waxay bilowday in ay ka
shalayso in wadahadalkii lacagta looga hadlayay mar kale
dib loo soo celiyay oo lacagtana guriga horay loo bixiyo,
inta lagu jiro muddada Pontus uu dhiganayo dugsiga sare.
"Markaa isaga iyo aniga waan isudiyaarinnaynaa."
Haanta faaruqi
Baabuurka qoyska -waa Toyota Auris oo yar. Anne ayaa
waxay ka soo iibsatay ganacsade baabuur waxay ku
iibsatay lacag bangiga ay ka soo amaahatay.
"Waan ku faraxsannahay, waa waxyaabihii aan soo
iibsaday midka aan ugu jeclahay! Kaygii hore oo kale uma
jabbo, waa baabuur aad uga raqiisan, oo bansiin aad uga
yarna isticmaala," ayay tiri.
Inta lagu jiro xilliga jiilaalka, Anne gaariga ayay shaqada
ku tagtaa halkii ay baaskiilka ka isticmaali la'hayd.
LACAGTAADA OGOW
Waqtigii hore, in markastaaba ay buuxiso maadaama
uu Pontus iyo Emma ay baabuurka la isticmaali jireen.
Bansiinka inta badan uu dhammaadaa. Tani ayaa waxay
keentay in wadaxaajood badan miiska kushiinka ka
dhexdhaco. Markaas ka dib Anne tabtii way badeshay
- oo hadda markiiba waxyar ayay buuxisaa si marka ay
dhammayso haanta u noqoto mid eber ah.
"Pontus iyo Emma baabuurka way isticmaali karaa,
laakin marka hore waa in ay buuxiyaan oo lacagtoodu ay
isticmaalaan. Si wacan ayay usocotaa," ayay tiri.
Bangiga mar dhow qiimo hooseeya ayuu soo saaray
Sannadkii hore, Anne in badan wax iyadu ay meel
dhiganaysay ayay soo qaaday: iyadoo baaritaan ku
samaynaysay haddii kharashka daynta guriga hoos loo
dhigi karo iyo in kale. Waxaa dhacday in bangigeeda
ayay badesho, maadaama dalab ka wanaagsan ay heshay.
Taa waxaa raacsan, bangiga cusub gurigeeda wuxuu ku
qiimeeyay sicir aad u sareeya. Markaa lacag badan ayay
soo amaahan kartaa sida iyadoo gurigeeda rahamaad ka
dhigaysa, taasi ayaa waxay dhalinnaysaa in ay usoo harto
lacag badan oo ay isaga bixiso daynta baarbuurkeeda.
"Kharashkayga bisha qiyaastii wuxuu ahaa 1,500
kronor oo ay ka dhiman tahay dalacaadii bangiga," Anne
ayaa tiri.
Marka laga reebbo daynta guriga iyo baabuurka, Anne
waxay lagu leeyahay daynta ardayda oo ay bishiiba bixiso
lacag gaaraysa 1,250 kronor. Lagumalaha daymo kale,
iyo kaarka daynta ma jiro wax lagu leeyahay. Kaarkeeda
bangiga ee caadiga ah kaliya ayay isticmaashaa.
Kabixida guriga
Anne waxay ku xisaabtamaysaa in laba sanno guddahooda
uu Pontus iyo Emma ay guriga dhaafi doonaan ama ay ka
guuridoonaan. Markaa waxay rajaynaysaa in ay awoodi
karto in kushiinka iyo musqulaha ay dib u dayactirto.
Sidoo kale waxay jecashahay in ay kor uqaado lacagta ugu
kaydsan koontada howlgabka.
"Haddii ay jirto lacag soo harta, waxaan jeclahay in
mustaqbalka socdaal badan aan sameeyo. Oo waxaan
jeclahay in badda meel udhow aan ku noolaado," si
waadax ah ayay ugu riyootaa.
Dhaqaalaha Anne
Daqliga
Mushaharka Anne canshuurta ka dib
Kharashaadka Isugayn
Bisha
23,100
23,100
kharashka
Hoyga
Kharashka ku kaca
Ujro
Dayn
1,100
4,600
1,200
Gaari
Kharashka bansiinka
Kharashaadka baabuurka kubaxa ee kale
Dayn
700
1,300
1,000
Kharashaadka joogto ah:
Deb ubixinta daynta CSN
Daryeelka carruurta,
lacag masaruufka loo siiyey
Caymis kale
Ujrooyinka ku baxa ururka iskaashatada iyo shaqada
Warbaahiyaha
Caymiska carruurta
Kharashaadka is-bedbedala
Cuntada
Kaydka
Dhar iyo kobo
Ciyaarta/baashaalka
Telefoonka gacanta
Nadaafadda shaqsiga
Takhtarka, takhtarka ilkaha, caafimaadka
Walxo kale
Lacagta howl-gabka
Qalabka guriga
Kharashaadka Isugayn
1,250
500
350
350
300
250
5,000
2,000
1,000
800
350
300
250
200
200
100
23,100
Talooyinka Anne
• Ciyaalkaaga waqti hore kala hadal waxyaabaha lacagta ku saabsan.
• Carruurtaada usheeg in haddii ay guriga ku nool yihiin looga
baahnaan doono in lacagtooda ay ula baxaan marka ay bilaabaan in
ay shaqaystaan oo shaqaynayaan.
• Iska hubi haddii bangigaagu uu bixiyo adeeg kala qaybiya lacaggaha
kaarka bangiga aad ku bixiso. Waxay kuu saamaxaysaa in fekir guud
ahaan aad ka hesho halka ay gasho lacagtaada.
Dexter iskuulkiisa xannaada wuxuu ku yaallaa wadada Anne ay shaqada uqaadato.
5
LACAGTAADA OGOW
Guriga
Inteena badan, kharashka ugu badan waa kharashka guriga ku
baxa. Halkan, ayaad ka aqrin kartaa noocyo dhowr oo guryo,
iyo waxyaabaha la doonayo in aad ku fekirto gootta aad kala
dooranaysid.
Kiraysi
Haddii aad degan tahay aqal [apartment] kiro ah,
milkiilaha ayaa ka mas'uul ah dayactirka iyo gacan ku
haynta guriga, iyo qalabyada guriga sida foornada iyo
talaajadda. Sidoo kale milkiilaha waa inuu eegaa in
kuleelasada ay shaqayso iyo goorta aad guriga [apartment]
ku soo guureyso in wax kasta ay wanaagsan yihiin oo
sidoo la doonayay yihiin. Haddii wax dhib ah aad kala
kulanto, waxaa kaliya aad u baahan tahay in milkiilaha
aad ula xiriirto.
Sida iijaarlaydu, adiga ayaa ka mas'uul ah in aad bixiso
lacagta kirada oo gurigana waa in ay daryeelaan. Haddii
ay dhacdo in muraayadda xammaamka jabto ama darbiga
wax kaa gaaro maxaa yeeley baaskiilka albaabka aad
dhiganayso darteed, adiga ayaa bixinnaya kharashka ku
baxa dayactirka. Macluumaad ku saabsan guryaha la
kireysto halkan ka aqri omboende.se
Ka hor inta aadan usoo guurin qoro liis warbixineed
• Ka hor inta aadan usoo guurin iska hubi in aad kala
qorataan heshiiska muddada ijaarka.
• Codso in adiga iyo milkiilaha guriga in si wadajir ah
guriga aad uwada eegtaan oo aad qortaan wixii guriga
ka halaysan oo ka dibna saxiixa.
• Marka aad usoo guurto ka dib haddii aad wax ku
aragto, meel ku qor oo codso in qoraalka lagu daro
warqaddii hore lagu qoray wixii guriga ka halaysnaa.
Haddii kale, waxaad halis ugu jirtaa in lagu waydiisto
in aad bixiso waxyeello uu geystay qofkii adiga kaa
horeeyay ee guriga deganaa.
Kiro-hoosaad
Goorta guri aad ka kiraysato qof kale oo iaguna kirayste
ah, marka taas waa kiro-hoosaad. Haddii qofka laga
kireeyay la siiyo digniin ah in guriga isaga guuro, adiguna
Halkan ka a
qri
www.elprisk
ollen.se
www.ombo
ende.se
waa in aad isaga guurtaa. Sidaa darteed marka taa waxay
ka dhigan tahay in adigu aad hoos timaado qofka adigu
kaa kireeyay.
Macluumaad badan oo ku saabsan kiro-hoosaadka ka
aqriso halkann omboende.se
Ka hor inta aadan usoo guurin qoro liis warbixineed
• Qofka guriga aad ka kiraynaya waydiiso inuu ku siiyo
nuqdi ah heshiiska kiro-hoosaadka.
• Qofka guriga aad ka kiraynaya kala qorta heshiis kirohoosaad ah. Heshiiska oo qoran oo tijaabo waxaad ka
heli kartaa omboende.se
• Guriga aad kiraysanayo adiga iyo qofka aad ka
kiraysanayso isla baara oo wixii ka halaysan oo dhan
diiwaangeliya oo kala saxiixda oo nuqdina ka reebbo.
• Haddii aad kiraysanaysid guri diyaarsan, meel ku qor
dhammaan waxyaabaha guriga dhexdiisa yaalla ee la
soo dhigay. Meel ku qor haddii ay jiraan wax halaysan.
Mar haddii aad kuwad heshiisaan waxyaabaha liiska ku
qoran, labadiinaba wada saxiixa oo nuqdi kala reebta.
Guri iibsasho [apartment]
Haddii aad guri iibsanayso, dhab ahaantii guryo iskaashi
ayaad qayb ka iibsanaysaa. Qaybtaada waxay xaq kuu
siinaysaa in guriga aad ku noolaato. Iskaashatada ayaa iska
leh dhismaha, dhulka iyo meelaha dadka ka dhaxeeya ee ay
wadaagaanba.
Aysan ka ahayn ugu yaraan waxa kaliya lagaaga baahan
yahay in boqolkiiba 15 ee qiimaha aad lacag naqdi ah aad
ku bixiso. Inta soo hartay ee boqolkiiba 85, bangiga ayaad
ka dalban kartaa oo aad ka soo amaahan kartaa.
Lacagta ujro oo bal kasta ah ayaad iskaashatada ayaad
siinaysaa, lacagtaas waxay daboolaysaa kharashka
LACAGTAADA OGOW
dulsaarka, lacagta yaryar ee ku baxa, iyo hagaajinta
dhismaha. Gacan ku haynta guriga adiga ayaa ka mas'uul
ah, sida derbiga ama sagxadaha in aad badesho. Iyo haddii
foornada, talaajada, ama nalka jabo, adiga ayaa ka mas'uul
ah in aad iska bixiso.
Goorta aad doonayso in aad ka guurto, guriga waa in
aad iibisaa. Haddii aad nasiib u yeellato oo lacag badan
aad guriga ku iibsiso, waxaa dhici kara in faa'ido ay kuu
korto. Haddii ay nasiibdarro ku qabsatana oo lacag yar
aad guriga ku iibiso, lacag ayaad qasaaraysaa. Xitaa haddii
weli dayn lagu leeyahay guriga adiga ayaa ka mas'uul ah in
bangiga lacagtiisa aad siiso in kastoo guriga lagaaga iibiyay.
Diyaargarowga haddii aad ku fekirayso in guri aad iibsato:
• Xisaabta ku dar in aad bixin karto dulsaarka oo ah
boqolkiiba 6.
• Bangiga ka dalbo daynta lagu bixin la'haa.
• Aqri warbixinta sannadlaha ah ee guryaha iskaashiga.
• Qof guddiga ka tirsan waydii dayactirka la qorshaynayo.
Dayactirka ugu wayn ee la qorshaynayo ayaa noqon
kara mid lacagta ujrada sare uqaadi kara.
• Isticmaal in hoyga iskaashatada ay isticmaalaan qadka
toosan ee lagu xisaabo qiimo-dhaca hantida guriga.
Waxaa dhici karta in hannaanka qiimo-dhaca ee
horrumarka aan la isticmaalin. Waxbadan waxaad ka
ogaan kartaa www.omboende.se
• Xeerarka iskaashatada guriga aqri, xeerarka ku dabaqan
ayuu qeexayaa.
• Aqri liiska guriga oo iska hubi in aan dayn ama
rahaamad aan lagu la'hayn guriga aad iibsanaysid.
• Liis warbixintaeedla loogu talagalay dadka guriga
iibsanayo kala soo bax www.omboende.se
Guri iibsasho [house]
Guriga marka aad adigu iska leedahay, waa adiga qof
bixinnaya dhammaan kharashka guriga. Milkiilayaasha
guriga, markastaaba waxaa jira wax in la sameeyo
ubaahan. Waxaad filataa in markastaaba uu jiri doono
kharash ku baxa wax adigu aadan fekirayn. Waxaad
kharash ku bixin doontaa sida ururinta qashinka, qalabka
dab demiska loo isticmaalo, qalabka darjiinka, caymiska
guriga iyo kulleelaysida. Sidoo kale waxaad kaloo
lagaa doonayaa in aad bixiso ujrada canshuurta guriga,
diiwaangelinta xuquuq-la'haansha guriga, daynta guriga,
iyo in daymo cusubna aad qabanqaabiso. Milkiilayaasha
guryaha waxay u baahnaan doonaan koonto lacag laga soo
baxo lacagta meel loo dhigay kharashaadka kaaga baxa
waxyaabaha lama filaanka ah.
Goorta guri aad iibsato, waxaa lagaa doonayaa in ugu
yaraan boqolkiiba 15 aad dhigto lacagta guriga lagu iibiyo.
Inta soo hartay ee boqolkiiba 85, bangiga ayaad ka dalban
kartaa oo aad ka soo amaahan kartaa.
Mustaqbalka haddii aad doonayso in guriga aad ka guurto,
guriga waad iska iibinaysaa. Haddii aad nasiib u yeellato
oo lacag badan aad guriga ku iibsiso, waxaa dhici kara
in faa'ido ay kuu korto. Haddii qasab ay kugu noqoto
in guriga aad ka guurto, tusaale ahaan kala tag qoyska
ama shaqadaada oo la badello, waxaa dhici karta in aad
ubaahato in guriga aad iska iibiso inkastoo xitaa haddii
qiima lagu iibinnayo yahay mid hooseeya. Waxaad halis
ugu jirtaa in lacag ay kaa qasaarto. Haddii dhab ahaantii
Dexter oo ah afar jirkii ayaa isagoo ku faraxsan inuu noqdo qofka guriga ugu
muhiimsan.
ay nasiibdaran tahayna, waxaa dhici karta in bangiga weli
dayn kugu yeesho oo lagaaga baahdo in bangiga aad dib
lacagta aad ubixiso xitaa marka guriga aad iska iibiso.
Diyaargarowga haddii aad ku fekirayso in guri aad iibsato:
• Lacagahaaga dib u eeg.
Ma awoodi karaysaa dulsaar gaaraya boqolkiiba 6?
• Daynta aad ku bixin la'hayd bangiga ka soo dhammee.
• Si taxatir leh isaga baar guriga. Qof indha-indhayn ku
sameeya ayaa aad kuu caawinni kara.
• Isticmaal liis warbixinneed oo loogu talagalay iibsashada
guriga www.omboende.se
Talo-siin waxtar leh
Sida lacag iyo tamarba loo kaydiyo
Waxa jira siyaabo badan oo hoos loogu dhigi karo isticmaalka tamarta oo
isla markaana lacag ay kuu kaydisami karto. Tusaale ahaan demi
korontada aada kombiyuutarka iyo TV-ga taasi waxay micnaheedu tahay,
ha uga tagin in ay iska shidnaadaan. Halkan baad wax badan ka ogaan
kartaawww.energimyndigheten.se oo tijaabi qiyaastooda tamarta.
Kharaashaadkaaga mid si miisaniyad ku dheehan ka dhig.
Keydso faraqa udhaxeeya sicirka inta aad iminka bixiso ee dulsaar ah iyo
sicirka la qiyaasayo ee 5.5%. Goorta sicirka uu 5.5% dhaafo, markaas
lacagta keydka kuu ahayd waad kala soo bixi kartaa, oo uma baahnaan
doontid in kharashaadka aad dib u goyso. (mida kale ee suurtogalka ah
ayaa waxay tahay in aad si dhaqso ah aad uwada bixiso daynta guriga
goorta sicirka dulsaarka oo hooseeyo.)
Iska baddel shirkaddaha korontada bixiya oo lacag aad
kaydsatee
Waxay ku xiran tahay isticmaalkaaga korontada, sannadkiiba waxaad
meel dhigan kartaa boqolaal ilaa iyo dhowr kun oo kronor ah adiga oo
iska baddella shirkaddaha korontada.
Halkan www.konsumenternas.se ama www.elpriskollen.se sida aad taa
usamayn la'hayd ayaad ka aqrisan kartaa.
7
LACAGTAADA OGOW
Gaari
Halkan ka a
qri
Gorota aad gaari soo iibsato, waxaa jira hal shay oo hubaal ah - kharash
ayaa kaaga bixi doona. Islamarkaana, baabuurkaaga xuriyad aad ubadan
ayuu kugu soo kordhinnayaa. Malahaa waxaad samayn kartaa oo aad
ku biiri kartaa gaari-la islaraaco, ama kirayso goorta aad dhab ahaantii
gaariga aad u baahan tahay oo markaa iska bixi.
www.konsu
mentverke
t.se
www.bilsvar
.se
Gaari iibsashada
Sida naadirka ah, marka qof shaqsi gaar ah aad gaariga
ka iibsanayso lacagta way ka jaban tahay marka loo
barbardhiggo kuwa baabuurka ka ganacsada. Halista
ayaa waxay tahay haddii wax xun gaariga ku yimaada,
wax cabasho ah ma soo gudbin kartid. Sidaas darteed aad
ayay muhiim u tahay in gaariga la iska soo baaro oo qofka
iibinnayo la iska ogaado ka inta aan la iibsan gaariga:
• Baabuurka waxaad gayn kartaa garaash ama halka
gawaarida lagu baaro.
• Iska hubi in qofka iibinayo yahay qofka milkiile ahaan
u diiwaangashan oo wax dayn ah aan gaariga lagu
la'hayn. Hay'adda Gaadiidka Swedish ayaa ku caawinni
kara.
• Qoro heshiiska kala iibsiga. Tusaale halkan ayaad ka
heli kartaa
www.konsumentverket.se
Si dhaqaalaysan u wadida
Haddii ganacsade baabuurta iibiya aad ka iibsanaysid,
waxaa qabannaya Xeerka Macaamiilka Wax iibsada; waxaa
kaloo kuu dheer, sharcigaas wuxuu kuu fidinnayaa fursad ah
qaladka dhaco in dacwo lid ku ah aad ka qaadi karto.
• Ka codso bayaanka bandhigga gaariga.
• Gaariga wad oo soo tijaabi goorta aad soo qaadanayso.
Isticmaalkaaga shidaalka waxaad hoos u dhigi kartaa
boqolkiiba 10 oo 1,500 ayaad sannadkiiba meel dhigan
kartaa adiga si baqiilnimo buurka u kaxayn kartaa adiga oo:
• Inta suurtogalka ah gaariga marsho sare ku kaxaynaya.
• Sheelaraha simaya.
• Isticmaal qubad matoorka udhigayso.
• Sheelaraha ka qabooji si markaa gaariga uusan hal jeer
uwada joogsan.
• Matoorka yuusan iska shidnaan gaarigoo fadhiya.
• Sheelaraha ka deg goorta aad deggaandeggayso, si siman
u sheelaree goorta gaariga meel doon ah fuulayo.
Liis warbixineedka halkan ayaad ka helaysaa
www.konsumentverket.se
In badan oo ku saabsan si dhaqaalaysan gaari u wadida
halkan ka aqri www.trafikverket.se
Sannadkiiba kharash ilaa intee
ayaa ku kacaya Anne gaarigeeda
Nooca gaariga
Toyota Auris
1.6
Macluumaad dheeraad ah waxaad
ka helaysaa www.bilsvar.se
Gurigaaga aad
iska leedahay
Sannadka gaariga
2008
Qiimaha lagu soo iibsaday 224,000
Shidaalka
Gaaska dabiiciga
Kharashaadka bansiinka
8,800
Canshuurta, baaritaan
700
Caymiska4,400
Dayactir, adeegga iwm.
7,000
Lugaha gaariga
1,500
Qiimo-dhac14,000
Kharashka Isu-gayn
Sannadkiiba37,000
Bishiiba3,000
10 kii km
25
Kharashaadka gaarigaaga ku baxa geli shaxanka ku yaala bogga 23
8
Haddii aad doonayso in aad kaxayso baabuurka, sidoo kale waa in haanta
bansiinka aad buuxisaa. Emma waa tan, waxay doonaysaa in ay tagto.
La'haansho gaari
Gaariga lacag ayuu ku fadhiyaa xitaa goorta baabuurka uu
meel iska yaalo oo aanan la la isticmaalayn. Gaar ahaan
baabuurta cusub marka aad soo iibsataba si dhaqso ah
ayaa qiimahaha baabuurka hoos u dhacayaan, oo sidoo
kale waa in aad bixisaa:
• Canshuur
• Caymis
• Baaritaan
• Adeegga
• Dayactir
• Gacan ku hayn
Halkan bilsvar.se, waxaad ka aqrin kartaa waxyaabo ku
saabsan noocyada kala duwan ee baabuur oo waxaad
xisaabi kartaa kharashaadka dhowrka ahee baabuurta.
Talo-siin
Ku biir gaari-la islaraaco
Goortaad ubaahato ayaad gaari heli kartaa adiga oo aadan bixin lacag
badan sida marka aad gaariga adigu iska leedahay oo kale. Wadanka oo
dhan waxaa la helayaa oo ka jira gaari-la islaraaco, badanaaba waa mid
uu wato milkiilaha ama qof uwada qofka baabuurka iska leh.
LACAGTAADA OGOW
Telfoonka, TV-ga,
iyo Internetka
Halkan ka a
qri
www.telek
omradgivar
na.se
www.pts.se
www.konsu
menteurop
a.se
www.bredb
andskollen
.se
www.konsu
mentverke
t.se
Haddii aad isku dayday in adeeg fidiyayaasha, waxaa laga yaabaa
in aad ogaatay in aysan ahayn mid sideedaba sahlan. Waxaa jira in
badan oo adeeg bixiye ah iyo kuwa kale oo dhowr ah oo lagu badeli
karo. Adeegyada ayaa sida badan iyagoo iskuxiran la iibiyaa, taasoo sii
adkaynaysa in la isku barbardhiggo.
Telefoonka gacanta oo dibadda laga soo isticmaalo
Goorta Sweden dhexdeeda aad joogto, waxaa dhici
karta in aad lacag go'an aad ka bi+-
`iso kharashka
isticmaalka.`-+ Haddii aad dibadda joogto, lacagta aad bay
uga sii badnaan doontaa markaad isticmaalayso addeegga
Sweden aad ku haysato. EU dhexdeeda waxaa jira xad ah
inta ugu badan oo uu ku kici karta dirsashada telfoonka,
fariin qoraal lagu diran karo, iyo isticmaalka internetka oo
telfoonka laga isticmaalo. Si kharashaaga aad ula socoto,
shirkadda telfoonkaaga ayaa waxaad waydiin kartaa in ay
kula soo socodsiiyaan goorta aad gaarto xad go'an oo ah
isticmaalka internetka oo telfoonka laga isticmaalo.
Goorta dibadda aad u safrayso, maanka ku haay:
• Shirkadda telfoonkaaga ka hubi inta ay kugu kacayso
wicitaanka ama isticmaalka internetka oo telfoonka aad
ka isticmaalaysid inta aad ku sugan tahay wadamada
aad u socoto.
• Barnaamijyada telfoonka ku jira oo sida tooska internetka
u isticmaalo iska xir. Sidoo kale qatka furan iska xir.
• Haddii telfoonkaaga uusan hal shirkad kaliya ku xirnayn,
waxaad iisban kartaa kaarka naqdiga oo aad telfoon ku
wici karto ama interternetka aad u isticmaali karto.
Guri ka dukaameysi
Internetka oo laga dukaamaysto, ama qatka telfoonka
ama boostada oo wax laga dalbado, waxaa taas loogu
yeeraa "masaafad dheer ka dukaamaysi". Sida sharciga
waafaqsan, waxaad haysataa 14 maalmood haddii waxii
aad dalbaday oo aad ka iibsatay wax iskaa badellaan.
Xitaa tan ayaa waxay quseysaa haddii qofka wax kaa
iibiyay uu gurigaaga kuugu yimid ama haddii barta loo
dukaamaysi tago aad kula kulantay ama jidka aad ku
kulateen.
"Bangigayga wuxuu leeyahay barnaamij kala qaybqaybiya wixii aan iibsado. Way
sahlan tahay in guud ahana kor lagala socdo halka lacagtaada ay ku baxayso,"
Anne ayaa tiri.
Telfoonka oo wax lagu iibsado
Caadi ayay noqotay in qofka telfoon uu usoo diro qof wax
iibinnayo, oo wadahadalka si dhaqo ah udhaco. Haddii aad
wax iska badesho, markastaaba waxaad xaq u leedahay
in 14 maalmood aad ku soo celiso. Haddii aadan doonayn
in telfoon uu kuu soo diro qof wax iibinnayo, telfoon
lambarkooda waxaad ka xiri kartaa adiga oo si bilaash ah
NIX isaga diiwaangelisa: 077-228 00 00.
Talo-siin ku aadan haddii qof wax doonayo inuu wax kaa
iibiyo ku soo waco:
• Haddii aadan danaynayn, si cad isaga diid oo telfoonka
ka demi.
• Haddii aad danaynayso, waydii isugayn inta lagaa
doonayo in aad bixiso iyo haddii aad galayso cahdi
muddo dheer ah soconaya.
• Shirkadda magaca loogu yeero waydii, oo telfoon
lambarkooda iyo cinwaankooda waydii xitaa haddii aad
go'ansato in aadan doonayn in wax aad ka iibsato.
• Haddii ay ku soo gaaraan wax adigu aadan dalban,
shirkadda soo dirtay u qor oo usheeg in aadan waxaa
soo dalban. Maanka ku hay in aysan waajib kugu ahayn
in dirista shirkadda aad dib ugu dirayso aad lacag ka
bixiso.
9
LACAGTAADA OGOW
Cuntada
Haddii cuntada adigu aad iska bixiso, waxaad garan kartaa in
cuntada kharash badan uu ku kaco. Bishiiba ku talagal ilaa iyo
2,000 haddii aad tahay qof qaangaar ah. Isla markaana, kharashka
cuntada ku baxa ayaa ah wax naftaada saamayn wayn ku yeesha
waxa aad cunto iyo cuntooyinkaaga sida aad u kala qorshayso.
Halkan ka
aqri
www.slv
.se/matv
anekolle
www.slv
n
.se/mats
vinnskoll
en
Tiro cunto oo aad u badan ayaan tuurnaa.
Dhibaatada ugu wayn ayaa waxay tahay in si aan daruuri
ahayn oo aan loo baahnayn aan cuntada u daadinno.
Hay'adda Cuntada Qaranka ee Swedish waxay xisaabtay
in wadankan Sweden sannad kasta aan daadinno kummaan
kun kronor oo cunto ah. Waxa aad tuusayso waa lacag aad
waxyaabo kale aad ku bixin karto. Uri oo dhadhami xitaa
haddii taariikhda ku qoran oo ay cuntada dhacayso ku
qoran tahay kama dambays "ugu wanaagsan". Inta badan
cuntadaasi waa cunto la isticmaali karo.
Sida kharashaadka cuntada ku baxa hoos loogu dhigi karo
• Qorshayso inta todobaadka lagu jiro inta cunto ee aad
cunni doonto.
• Ku qor liis warbixinneed oo ah wixii aad soo iibsanayso.
• Kaliya soo iibso waxyaabaha liiskaaga dukaamaysiga
kuugu qoran.
• Miro iyo qudaar usoo iibso sida xilliga ku waafaqsan.
• Isticmaal qudaarta la barafeeyay-lacag ahaanna way
jaban yihiin oo karisteedana way sahlan tahay.
• Hilibka aad soo iibsanayo yaree, oo digirta iyo misirta
badi.
• Cuntada kaa soo harto weelka qadada ku qaado.
Waxyaabha yar-yarootiga ee aad soo iibsannaysid
jaabkaaga wuu udaran yahay
Waa tan inta kaaga baxda waxyaabha yar-yarootiga ee aad soo iibsannaysid oo
hal sanno gudahooda aad soo iibsato:
qaxwaha laga iibsado maqaayad [café]tobaadkiiba mar (ca. 50 kronor) 2,600 kr
nacnac isku jira todobaadkiiba 3 hg (6 kronor/hg) 936 kr
cabitaannada fudud maalintiiba 1 (ca. 10 kronor)
3,650 kr
qamari adag
todobaadkiiba 3 (ca. 15 kronor midkiiba)
2,160 kr
sigaar
maalintiiba 1 baako (ca. 53 kronor/baakidiiba) 19,350 kr
tubaako
todobaadkiiba 3 gasac (43 kronor midkiiba) 6,700 kr
majalooyin
bishiiba 2 (50 kronor)
1,200 kr
Qadadaada horay uqaado lacag kaydso
Haddii qadadaada shaqada aad usoo qaadato halka bannaanka cunto ka soo
iibsan la'hayd, qiyaastii bil kasta waxaad meel dhigan kartaa 1,200 kronor.
Anne sida badan waxay go'aansataa cuntada la samayn doono laakin mar marka qaarkood xitaa Dexter ayaa loo ogolaadaa in ku biiro oo kaalmo ka gaysto.
10
LACAGTAADA OGOW
Caymis
Kaalmo a
h
xulashad
a caymis
ka
Adiga nafsadaada ayaa go'aaminnaya nooca caymis ee aad
www.kon
sumente
rn
as.se
www.min
pension.s
isleedahay waad ubaahan tahay, laakin caymisku wuxuu ku
e
siinayaa hubaal dhaqaale haddii wax shil ah adigu ku qabsadaan.
Si dagan u aqri macluumaadka ku qoran iibsiga ka hor caymiska inta
aadan iibsan ka hor. Waxaa ku qoran shuruudo iyo waxyaabaha lagaa
filayo muhiim ah oo kooban ee loo baahan yahay in aad wax ka ogaato.
Caymiska Guriga
Haddii aad leedahay caymiska guriga, magdhow ayaad
heli kartaa haddii wixii guriga kuu yiilay gubto ama
la waayo. Haddii ay dhacdo in lagaaga baahdo in aad
bixiso maxaa yeelay adiga oo si lama filaan ah waxyeello
ugaarsiiyay wax qof kale uu iska leeyahay, sidoo kale
magdhow ayaad heli kartaa. Sidoo kale ilaalo sharci ayaa
inta badan la socda, kaasoo magdhow ku siin kara haddii
muran aad la kulanto oo loo baahdo in maxkamadda lagu
xalliyo. Sidoo kale caymiska guriga badankooda waxaa
la socda caymiska safarka iyo marka gacan laguu gaysto,
caymiskaasoo bixinnaya kharashka daryeelka caafimaadka
iyo daqligii kaa lumay.
Caymiska guriga waxaad ku kabi kartaa caymiska
khasaare oo dhan, kaa soo kuu fidinnayo magdhow
haddii, tusaale ahaan, si lama filaan ah kombiyuutarkaaga
qaxwo kaaga daato.
Caymiska caafimaadka iyo shilka
Haddii si xun aad u xannuunsato ama shil xun kugu
dhaco, caymiska shilka wuxuu bixiyaa magdhow ka
baxsan kaalmada aad ka heli karto dowladda iyadoo laguu
soo marsinayo Maamulka Caymiska Bulshada ee Swedish
[Swedish Social Insurance Administration]. Magdhow
ayaad heli kartaa haddii si daa'in ah waxyeello ay ku soo
gaarto, iyo kharashaadka ku baxa daryeel caafimaadka.
Caymiska carruurta
Carruurta sida daa'inka ah ku waxyeellooba shilka ama
xannuun soo gaaray ayaa inta badan magdhow iska yar ka
hela Maamulka Caymiska Bulshada. Caymiska carruurta
wuxuu kuu fidinnayaa magdhow dheeraad ah.
xitaa haddii aadan la'hayn ama aadan haysan caymiska
waxa la iibsado. Waxaad xaq u leedahay in seddex sanno
gudahooda wixii aad soo iibsatay jabo in cabasho soo
gudbin karto, oo inta badan shirkadda soo saartay ayaa
waxay bixiyaan kafaalad loogu talalgay waqti xadidan.
Taa waxaa raacsan, waxaad magdhow ka heli kartaa adiga
oo u mara caymiska gurigaaga.
Caymiska Baagamuudada iyo Miisaaniyadda Caymiska
Baagamuudada
Qof kastoo shaqeeya oo ka soo baxa shuruudo gaar ah ayaa
heli kara caymiska baagamuudada. Haddii shaqo la'aan aad
noqoto, waxaad heli doontaa magdhow iska yar-cadad ayaa
lagu saleeyaa. Haddii aad xubin ka tahay miisaaniyadda
caymiska baagamuudada, waxaad heli kartaa magdhow in
yar ka badan oo mushaharka ku salaysan.
Waxbadan oo ku saabsan miisaaniyadda caymiska
baagamuudada iyo inta magdhow ee aad qaadan karto ka
aqri boggaada.
Adiga oo usoo maraya bogga Guddiga Caymiska
Baagamuudada ee Swedish [Swedish Unemployment
Insurance Board] oo ahwww.iaf.se, halkaas waxaad
ka heli kartaa miisaanyad kale duwan oo ah caymiska
baagamuundada.
Liis warbixineed - maxay yihiin noocyada caymis ee
aad u baahan tahay?
Caymiska Guriga
Caymis dhammaystiran
Caymiska kiraystaha-milkiilaha
Caymiska baabuurta
Guri
Haddii aad baabuur leedahay, sharci ahaan waxaa kugu
waajib ah in caymiska baabuurta aad leedahay. Haddii shil
aad sababto, caymiskaaga baabuurka ayaa magdhowga
siin doona qofka shilka ku waxyeelloobay ama ku
dhaawacmay ee daroowalka kale iyo baabuurkiisa. Haddii
si kale loo dhaho, adigu ma helaysid wax magdhow ah ee
baabuurkaaga soo gaara. Sidaas darteed, waxaad u baahan
tahay caymiska waxyaabo badan bixinnaya ama caymiska
waxyeellada ee xadidan.
Caymiska caafimaadka iyo shilka
Caymiska kombiyuutarka iyo caymisyada waxyaabaha kale
Sida badan, kuwa wax iibiya waxay balanqaadaan in ay
ku siinayaan fursad aad ku iibsan karto caymisyo gaar ah
oo aad dalban karto goorta aad iibsanayso waxyaabo qaali
ah sida TV-ga, kombiyuutarka, ama telfoonka gacanta.
Laakin xusuusnow in aad haysato ammaano kugu filan
Caymiska dhallaanka iyo dhalinyarada
Caymiska nafta
Miisaaniyadda caymiska baagamuudada
Caymiska baabuurta (gaari, mootada, dhug-dhugleyda, iwm.)
Caymiska howl-gabka
Caymiska rabaayadda
Talo-siin
Shirkaddaha caymiska isku bar-bardhig
Adigoo u mara www.konsumenternas.se shirkaddo caymiska iibiyo oo
dhowr ah ayaad isku bar-bardhiggi kartaa.
11
LACAGTAADA OGOW
Riyo u kaydso...
Go'aami shay aad si dhab ah u doonayso ama aad jeceshahay in aad qabsato. Markaa
way kuu sahlanaan doontaa in kaydsiga aad bilawdo. Laakin marka hore samayso
kayd aad isku ilaalinayso haddii kharashaad lama filaan ah kugu yimaadaan.
Emma waxay heshay shaqo dheeraad ah. Sidaas darteed waa in lacagtii safarkii buuraha ee jiilaalkii la soo dhafay ku aaday kaydsato.
Wixii aad meel dhigato ayaad ku baxsanaysaa
Haddii aad maaraysay in meel aad wax dhigato, waxaad si
sahlan u maarayn kartaa biilalka bil kasta lagaa doonayo,
ama waxaad xiliga xiling gu'a aad soo iibsan kartaa
jaako cusub oo aad xiranayso xiliga jiilaalka. In yar oo
la isku hubo ayaad ku noolaan kartaa oo xooggaaga isku
ilaalinnaya. Isku day in hal sanno aad boqolkiiba 10 oo ah
daqligaaga bil kasta ku soo gali aad meel dhigato. Markaa
in wanaagsan ayaa meel kuu dhigmaysa.
Shay gaar kuu ah wixii aad ku iibsan la'hayd kaydo
12
Goorta aad ukaydsanayso muddada dheer, dariiqyo kale
duwan ayaad haystaa. Waxaad kala dooran kartaa kuwa
soo socda sida:
• Koontada bangiga ee dulsaarka leh.
• Miisaaniyad ay dhici karto in qiime ahaan kor u kacdo
oo hoos udhici kara midkood.
• Saamiyo kaalin wayn ubaahan oo ay dhici karto in
qiimayn wax ku kordhaan ama wax dhimmamaan.
• Koontooyinka kaydka ee maalgelinta, kaasoo lacagtaada
kaydka iyo saamiyaddada sahlin doonta marka la gaaro
waqtiga canshuurcelinta la caddeeyo.
Wax badan oo ku saabsan kaydka iyo dariiqyada kale ee
dhowrka ah ayaa waxaad ka arqin kartaa bogga internetka
ee bangiga iyo caymiska Konsumenternas oo ah www.
konsumenternas.se.
Seddex talo-siin oo dhanka kaydka ah
• Raadi shay dhab ahaan aad doonayso ama aad
jeceshahay in aad qabsato. Markaa taasi way kuu sahlin
doontaa in lacag aad meel u dhigato.
• Lacagta aad kaydsato kordhii goorta daqligaaga uu hoos
udhaco.
• Goorta daqli ku soo galo isla markiiba ku wareeji
koontada kaydka.
Talo-siin
Lacagtaada mushaharka si toos ah ugu wareeji
koontadaada kaydka
Wareejinta tooska ah waxaad ku samayn kartaa koontadaada kayda oo iska
hubi in lacagta markiiba lagu wareejiyo goorta mushaharkaaga lagu siiyo.
Si taxadir leh uga fekir halista kaaga iman karta koontadaada kaydka.
LACAGTAADA OGOW
...ama daynso?
Halkan ka
Haddii aysan jirin lacag kuu soo harta oo bil kasta aad meel dhigan
karto, markaa ma haysatid lacag aad ka ammaan karto, midkooda.
Iska sug ilaa marxaladdaada dhaqaale ay ka degayso.
aqri
www.kon
sumente
rnas.se
Lacag ammaahsiga kharash baa ku kaca
Hubinta aamminnaada [credit check]
Goorta raadinayso lacag la ammaahsado, waxaad
isticmaalaysaa lacag adigu aadan haysan laakin aad
rajaynayso in mustaqbalka ay ku soo gasho. Markastaaba
waa in daynta dib usiisaa qof alla qofkii aad ka soo
ammaahatay. Taa waxaa raacsan, dulsaarna waa in aad ka
bixisaa.
Amaahiyaha wuxuu doonayaa inuu ogaado haddii daynta
aad dib u bixin karto. Tani ayaa waxaa loogu yeeraan
hubinta aamminnaada. Macluumaad adiga kugu saabsan
oo laga soo ogaanayo Maamulka Canshuurta ee Swedish
[Swedish Tax Authority], Maamulka Meelmarinta Swedish
[Swedish Enforcement Authority], iyo dhowr hay'addood
oo dowli ah ayaa la isticmaalayaa si loo qiimeeyo haddii
daynta aad dib u bixin karto iyo in kale. Tani ayaa waxaa
loogu yeeraa warbixinta aamminnaada Haddii dayn
badan aad dalbatay, warbixinno badan oo ah warbixinta
aamminnaada ayaa lagaa diiwaangelinnayaa. Waxayna
umuuqan doontaa in daymo badan lagugu leeyahay.
Amaahiyaha waa ka laba-qalbayn doonaa haddii adiga
lacag lagu ammaahinnayo iyo in kale, oo buundada
aamminaadda oo hooseeya ayaad heli doontaa. Sidaas
darteed marka aad dayn u baahan tahay oo kaliya waa in
aad dayn soo dalbataa.
Waxaa jira dariiqyo kale oo dhowr ah
Waxaa jira qaababka kala duwan oo badan oo lacag
lagu ammaahdo; qaarkooda qaarka kale aad ayay uga
qaalinsan yihiin. Daymaha rahamaadka aan la socon ayaa
ah kugu qaalisan, tusaale ahaan daymaha dhaqsiga ama
karedit kaaryada oo laga ammaahdo. Qaado waqti aad
ku wada eegto noocyada kala duwan oo ah dariiqyo kale
iyo asbaabta. Shuruudaha daynta oo si wanaagsan loo soo
koobay ayaa waxaad ka heli kartaa foormka SEKKI oo qof
kasta oo lacag deemiyaha uu ku siin doono.
Mar haddii aad hesho dariiqyo kale oo wanaagsan, maraa
waxaad isku dayi kartaa in aad kala gorgortanto sicirka
dulsaarka iyo ujrada in lagaa dhimo.
Xaqiiqaha
Xuquuqda dayn la tanaasulo
Dayn kasta oo aad qaadato waxaa qabannaya muddada 14-ka
maalmood oo ah muddo aad ka tanaasuli karto. Muddada ayaa waxay
bilaabmaysaa goorta aad heshiiska saxiixdo, ama kama soo hormari
karto goorta daynqaataha la siiyo dokumentiyo qoraal ah ee heshiiska
ku qoran. Ogsoonow in, ilaa iyo hadda, tani ma qusayso marka aad
dalbanaysid daymaha guriga.
Halkan waxaa ku qoran lacag ammaahsiga inta lacag ee
ay kuugu kici karto
Waxaad ammaahatay 20,000 kronor. Waxaad dib ubixinnaysaa 647 kronor
bishiiba ilaa iyo shan sanno. Waa tan gebi ahaan inta aad bixinnayso:
Kronor
40,000
Sicirka dulsaarka ee dhaqangalaya:
Sicirka dulsaarka ee dhaqangalaya waa sicir la bar-bardhigo daynta la
sheegay sida sicirka dulsaarka sannadlaha.
Waxaa ku jira dulsaarka, ujrada koontada lagu furayo, ujrada wargelinta
lacagta la bixinnayo iyo dallacyo kale. Amaahiyaha waxaa ku waajib ah
inuu kuu sheego sicirka dulsaarka inta uu yahay markaas.
Talo-siin
30,000
20,000
10,000
Waxa ugu muhiimsan
Goorta aad lacag soo ammaahanayso si aad wax ugu iibsato, isku
day in daynta oo dhan aad dib u bixiso wixii aad soo iibsatay inta
aysan dhammaan ka hor.
Kharashka
daynqaataha:
18,829 kr
Sicirka dulsaarka ee
dhaqangalaya: 34.49%
Lacagta
gun-dhiga
Isugayn
lacagta la bixinnayo:
38,829 kronor
0
13
LACAGTAADA OGOW
Adiga waalid ahaan waxyaabaha lacagta ku saabsan
Halkan ka
aqri
www.fors
akringsk
assan.se
www.kon
sumentv
erket.se
Sida Swedbank laga soo xigtay, carruur haysashada waxaa ku kaca
kharash gaaraya 1.4 milyan kronor ilaa ay ka gaaraan 18 guuridooda.
Lacag kastaa la siistaa, laakin way fiican tahay in lacagahaaga isha aad ku
hayso haddii carruur aad yeelan doonto. Sidoo kale waxaa muhiim ah in waalidiinta
ay si wadajir ah uga wada hadlaan sida ay jecelyihiin ee ku saabsan lacagtooda.
Daqli hooseeya ku xisaabtan
Goorta aad dhasho, magdhow ayaad waxaad ka dalban
kartaa Försäkringskassan si guriga aad ujoogto oo aad
ubadkaaga u daryeesho halka aad ka shaqayn la'hayd.
Magdhowgan ayaa waxaa loogu yeeraa manfacyada
waalid. Haddii manfacyada waalid aad wadaqaadato,
waxaad heli kartaa boqolkiiba 80 oo ah mushaharkaaga.
Iyado oo la soo raaciyo gunnada dhallaanka, xoogaa way
ka yara badan tahay.
Föräldrakollen ka booqo bogga internetka ee
Försäkringskassan, halkaasoo aad ka xisaabin karto sida
daqligaaga isubadelli doono goorta aad ubad yeellato.
Gaariga carruurta lagu qaado, sariirta caruuurta, iyo caymiska dhallaanka kharash ayaa ku baxaya.
Marka koowaad waxaa jira waxyaabo dhowr ah ee aad
baahan tahay, tusaale ahaan gaariga carruurta, sariirta
carruurta, oo xitaa waxaa dhici karta in aad u baahato
kurisga caruurta ee gaariga la saaro. Haddii aad doonaysid
in kharashaadka aad hoos udhigto, iyagoo mustacmal ah
ayaad soo iibsan kartaa, ama qoyskaaga ama saaxiibkaaga
ayaad ka soo ammaahan kartaa. Caymiska carruurta,
dharka iyo xafaayaddaha ayaa ah waxyaabaha kale oo
ay dhici karto in aadan ka fekirin balse dhallaanka uu
ubaahan yahay.
Carruurta iyo Badbaadada
Bogga Hay'adda Macmiilka ee Swedish, waxaad ka heli
kartaa talo-siin ah waxa aad ka fekiri la'hayd haddii aad
soo iibsan rabto gaariga carruurta, kursiga carruurta ee
baabuurka ama waxyaabo kale aad carruurta. Sidoo kale
in badan oo ku saabsan badbaadada dhallaanka ka aqrin
kartaa:
• www.dinsakerhet.se
• www.trafikverket.se
Waxa aad ka qaban karto sida dhaqaalahaaga aad u wanaajiso
• Isku day in aad cuntadaada adigu aad gacantaa ku karsato.
• Asxaabtaada ku casuun guriga halka aad
bannaanka gaxwo ka soo cabi la'haydeen.
• Iibso waxyaabaha mustacmalka ah, ama ka ammaahso
qoyskaaga ama asxaabtaada.
Goorta Dexter ayuu ahaa mid yar, Anne waqti nus ah ayay shaqayn jirtay. Markaa qoyska waxay ku noolaayeen nolol aad bakhiilnimo ah.
14
LACAGTAADA OGOW
Dhaqaalahaaga sida qof
dhalinyar ah
Lacag badan ma haysatid. Balse waxaad doonaysaa dhar wanaagsan,
telfoonka gacanta oo cusub, iyo lacag aad kula cawayso asxaabtaada
goorta magaalada aad joogtaan. Islamarkaana haddii aad ku riyoonaysid
in aad safarto, aad soo qaadato shatiga baabuurka lagu kaxeeyo, iyo aad
soo iibsan rabto kombiyuutar cusub. Sidee baad wax ukala debiri kartaa?
Waalidiinta waxa ay gacanta ku haynayaan ilaa 18 ka gaarto-ka waran ka dibna maxaa dhacaya?
Qorshaha kaydka
Waalidiintu way ku qasban yihiin in ay dhaqaale ahaan
ku gacanqabtaan ilaa 18 jir ka gaarto, ama ilaa 21 jir
ka gaarto waa haddii aad dugsi sare dhiganaysid. Balse
ku fekir in lacagta aad iska bixiso haddii aad guriga
ku nooshahay oo aad lacag adigu aad leedahay aad
kasbanayso oo shaqayso. Eeg waxa caqli galka ah ee ku
qoran shaxanka bogga 16.
Waxaa laga yaabaa in aad jeceshahay in aad soo iibsato
telfoonka gacanta oo cusub oo 500 kronor bishiiba jooga.
Maxay yihiin waxyaabaha kale ee aad meel dhigan karto si
aad awoodo in aad 500 kronor aad bil kasta meeldhigato?
Ama ma kula tahay in aad awoodi karto adiga oo lacag
badan shaqaysta-taasoo ah, shaqo in aad bilowdo? Shaqo
ma heli heli kartaa? Ama haddii shaqo aad haysato, intaa
in ka badan ma shaqayn kartaa?
Daqligaaga kor ayaad uqaadi kartaa adiga....
Waa kuma qofka lacagtaa kontoroola?
Haddii aad iskuul aado, waxaa dhici karta in aad hesho
qayb ka mid ah gunnada ardayda. Haddii aad waqti
hayso iskuulka ka dib, waxaa dhici karta in aad shaqo
galababtii ama maalmaha saxa ee sabtiga ama axadda aad
shaqo raadsato. Inta lagu jiro xilliga xagaaga, inta badan
waxaa la helaa shaqooyin badan oo ah shaqooyinka xilliga
xagaaga la helo.
Si heshiis aad usaxiixdo, waa in aad tahay qof 18 sanno jir
ah. Tani waxay ka dhigan tahay in haddii aad 18 sanno jir
aad ka yar tahay, qofka wax iibinnaya waa inuu hubsadaa
in waalidiintaada ay ogol yihiin wax aad iibsanayso.
Haddii kale, waalidiintaada waxay waydiisan kartaa in
wixii aad iibsatay dib u ceshadaan. Haddii aad 16 jirsatay,
adiga ayaa kontorooli karta wixii aad shaqaysatay.
...ama kharashaadkaaga hoos udhig
Haddii si sannadle ah aad ubilowdo, lacag aad ubadan
ayaad meeldhigan kartaa, waxaa dhici karta in aad hesho
shatiga baabuurka lagu kaxeeyo. Haddii aad bilowdo in
lacag aad kaydsato markaa aad gaarto
15 oo bil kasta aad meeldhigato 200 kronor, seddex sanno
gudahood wax badan ayaa ururinasaa.
Dhaqaalaha Emma
Dakhligabishiiba
Gunnada Iskuulka
1,050
Shaqo dheeraad ah canshuurta ka dib1,000
Isugayn2,050
kharashka
Telefoonka gacanta
200
Labiska iyo qalabyada
500
Dibadda oo wax laga soo cunno
250
Maaweelo400
Jir-dhiska250
Bansiinka150
Kaydka300
Isugayn2,050
"Waxyaabaha bulshada ayaa ah kharashka-ku baxa inta aad asxaabtada isla
jirtaan," Emma ayaa tiri.
15
LACAGTAADA OGOW
Kabixida guriga
Halkan k
a aqri
www.om
boende
.se
Kama dambeyntii, guri adiga kuu gaarka ah! Dhammaan wixii
calaacal ahaan wuu kaa dhammaaday-hadda adiga ayaa go'aanka
iska leh. Islamarkaana waxaa ku saaran dhammaan wixii waajibaad
ah-nadiifinta, dhaqida, iyo dukaamaysiga. Sidoo kale adiga ayaa ka
mas'uul ah in bil kasta aad iska bixiso lacagta kirada. Halkan ka aqri waxyaabo
ku saabsan kharashaadka kugu soo aadi doono goorta aad gurigiina ka guurto.
Dhammaan kharashkii la qayban jiray adiga ayaa lagaa
doonayaa
Goorta waalidiintaada aad guriga la deggan tahay,
wax kastoo aad u baahan tahay waad helaysaa:sida
waxyaabaha ku shiinka, korontada, cuntada, caymiska
guriga, saabaanta iyo qalabka nadiifinta kaarbeydayada.
Goorta aad deggan tahay guriga adiga aad ka taliso, waa
adiga qofka looga fadhiyo inuu hubiyo in waxkasta ay kuu
yaaliin-oo la doonayo in aad la baxdo.
Ma kugu filan tahay lacagta?
Xisaabi inta lacag ee kuu harta ka dib marka aad kirada
iska bixiso. Ma ku filan tahay cuntada, korontada,
caymiska guriga iyo telfoonkaaga guriga? Ma awooda in
aad iibsato saabaan, dhar iyo kobo, oo aad barta jir dhiska
ku tagto? Ma awoodaa in aad lacag meeldhigato?
Kaligaaga noolow ama waalidiintaada guriga la noolow
Si bakhaylnimo ku noolaansho
Waxaa dhici karta in kirada aad saaxiib la wadaagto, ama
meel aad uguurtaan oo saaxiibo cusub aad yeelato. Markaa
waxaa jira idinkoo dhowr ah oo kharashaadka si wadajir
ah u wadaagi kara.
Afar talo-siin
• Waxkasta hal mar kaliya ha soo wada iibsan; si tar-tiib
tar-tiib ah waxa aad ubaahan tahay usoo kala hormari.
• Saabaan ku soo iibso sicir raqiish ah.
• Shirkadda korontada dooro, halkan ka eeg
www.elpriskollen.se
• Iibso caymiska guriga, qiyaastii waxay ku kacaysaa 100
kr bishiiba.
Tusaale ah kharashaadka ku baxa kuwa 20-sanno-pöd ah[20-year-pöd] oo
dakhli iyaga ay shaqaysteen soo gala, oona ku nolo magaalo iska qiyaas ah
Marka aad waalidiintaada Marka aad iskaa
u nooshahay
la nooshahay
Kharashka bishiiba
Dhammaan cuntada oo dhan guriga lagu kariyo aysan ka ahayn qadada la cunno maalmaha shaqada
Walxaha macmiilka
Alaabta wax lagu cunno ee guriga iyo qalabka guriga laga isticmaalo
Warbaahinta iyo isgaarsiinta
Kirada, korontada
Caymiska guriga
Isugayn kharashka guriga
Haween
Nin
1,410 1,860
60*
60*
*
160
160*
250* 250*
1,840* 1,840*
30*
30*
3,750 4,200
Guriga laga bixinnayo
3,750
Kharash kale
Waxyaabaha la isku nadiifiyo, oo ay ku jrto daryeelka ilkaha
Dhar iyo kobo
Mashaax
Telefoonka gacanta
Qado dibadda laga cunno (20 jeer/bishiiba)
Safarka maxalliga oo gaadiidka gad-weynaha la ah
Lacagta ku baxda xubin ka ahaanshaha iskaashato iyo Miisaaniyadda Caymiska Baagamuudada
Isugayn kharashka kale
520
390
600
580
640 640
250
250
1,680 1,680
530
530
450
450
4,670 4,520
Isugayn kharash
8,420
*Hal-rubuc oo ah kharashka hoyga qoyska oo dhan, maadaama xisabata aqalka qoyska lagu saleeyo afar qofood.
16
Haween
Nin
1,410 1,860
100
100
370
370
940
940
5,000 5,000
90
90
7,910 8,360
4,200
8,720
520
390
600
580
640640
250
250
1,680 1,680
530
530
450
450
4,670 4,520
12,580 12,880
LACAGTAADA OGOW
Intan ayay kugu kaci kartaa si
aad aqalkaaga aad u camirato*
Hal qof
Kushiin
maacuun, qalabka jikada, foorno makraweef
iyo qalabka kale ee cuntada lagu kariyo
5,500
Qololka jiifka
sariir, joodari, nal, miiska sariirta dhinac yaal
kaarbit ama roog, daahyo, armaajo, kursi
iyo dharka jiifka
Qolka fadhiga
– soofe, miiska buugga, miiska xaqwaha,
kuraaska gacanta, kaarbit, dhalka kor, nalka
istaaga, daahyo iyo qalabka warbaahinta
Musqusha iyo hoolka
– muraayad, nal, shukumaan, qalab
iyo qalabka nadiifista iyo dhar dhaqa
Isugayn kharash
3,200
16,000
3,100
27,800
*Tusaalooyinka waa kuwa lagu saleeyay iibsashada saabaan
cusayb iyo alaabta wax lagu cuno oo cusayb ah, oo waxay
nala tahay in aad dooranayso midka ugu sicir hooseeya oo
suurtogalka ah.
Liis warbixineed la isticmaalo haddii aad
qorshaynaysin in guriga aad ka tagto
Cinwaankaaga cusub la soo socodsii Skatteverket, Maamulka
Canshuurta ee Swedish [Swedish Tax Authority].
Saxiix caymiska aqalka qoyska. Labada caymis isku barbardhig
booqo www.konsumenternas.se
Dalbo in laguu soo xiro telfoonoon iyo boroodbaand.
Macluumaad aan kala soocnayn ayaa Telekområdgivarna ka heli
kartaa. Halkan baad wax badan ka ogaan kartaa
www.konsumenternas.se
Pontus guriga ayuu usoo socdaa oo wuxuu ka yimd barta jimicsiga, laakin sidoo
kale dibadda ayuu waxbarasho ugu socdaa.
Xaqiiqaha
QOF KALE LA NOOLAANSHO
Xeerka Isla nooshaha ee Swedish [Swedish Cohabitees Act] waxay
qusaysaa dadka isla degan sida iyaga oo isqaba oo kale, oo ma ahan
asxaab go'aansaday in guri ay wadaagaan. Fekradda ka dambaysa
ayaa waxay tahay in aqalka qoyska isku darsado, waxaana ka mid ah
saabaanta iyo waxyaabaha kale, waa in si siman loo qaybiyaa haddii
labada qof ee isla degan ay go'aansadaan in ay kala tagaan. Waxba
ugama galin cidii hore u bixisay. Tan kaliya ka reeban ayaa waxay tahay
oo aan ku jirin wixii la soo iibsaday ka hor inta aan la bilaabin in labada
qof ay isla degaan. Haddaan si kale u iraahdo, waxaa fekir wanaagsan
ah in adiga you seygaaga/xaaskaaga aad wadaqaybsataan kharashaadka
aqalka qoyska.
In aad TV qabto Radiotjänst la socodsii. Haddii aad TV leedahay,
waxaa sharci ahaan lagaa doonayaa in aad bixiso ruqsada TV-ga.
Radiotjänst waxaad ku wargelin kartaa adigoo booqda
www.radiotjanst.se ama ka waca 020-91 00 00.
Xeerka ma daboosho walxaha aannan sida tooska aan xiriir ula lahayd
laba qof sida koontada kaydka, ama baabuurka iyo doonta; inta lagu
gudi jiro muddada kala go'a kuwan waxaa loogu daraa oo iska leh qofkii
ku qornaa. Haddii aad doonaysid in wixii aad leedahay in si kala duwan
loo qaybiyo, tani waad qabanqaabin kartaa adiga oo saxiixaya heshiiska
wada-noolaanshaha. Heshiishka ayaa ah mid jibinnaya xeerka sharciga
ku qoran.
Heshiis la saxiixo shirkadda korantada bixisa. Haddii heshiis
aadan saxiixin, waxaad bixin doontaa qiimaha 'ilaa ogaysiis
dambe'. Halkan baad wax badan ka ogaan kartaa www.
konsumenternas.se
iyo www.elpriskollen.se
Dadka isla degan iyaga oo aan ahayn dad isqaba midkiiba midka kale
waxba kama dhaxlo. Haddii ay dhacdo in midkooda geeriyoodo, hantida
qofka dhintay waxaa isla leh oo la siinayaa ehelkiisa/eeda. Taas ayaa ah
sababta ugu wanaagsan ee loo baahan yahay in dardaaran la qorto.
Cinwaankaaga cusub u dir qoyska iyo asxaabtada.
Maxaad uqaadan wayday fursad aad iyagu ku casuunto iyo
xaafaddaada cusub maad ugu yeerto xafladda guriga?
Haddii Maamulka Meelmarinta ee Swedish uu seygaaga/xaaskaaga
dayn ku leeyahay, isku diyaari in aad kala caddayso hantida aad adigu
leedahay iyo tan kale. Haddii kale waxay qiyaasayaan in wixii seygaaga/
xaaskaaga ay iska leedahay oo si sharci ah ayay ula wareegayaan si
daynta loogu gudo.
17
LACAGTAADA OGOW
Hagaha qofka
Maxay tahay waxa uu qabto hagaha qofka, oo maxay tahay caawinnaada aad
ka heli karto la taliyaha miisaaniyadda iyo la taliyaha daynta?
Qof kasta oo ku nool Magaalo waynta Oxelösund waxaa lagu soo dhowaynayaa inuu soo booqdo Carina iyo Monica.
Hagaha macaamiilka Monica Petterson waxay kuwa
soo booqda ay kula kulantaa Koordinaten dhexdeeda,
dhismaha howlo kasta lagu qabto ee ku yaalla Järntorget
ee bartamaha Oxelösund. Carina Ceder, waa la taliye
dhanka miisaaniyadda iyo daynta, iyaduna waxay sidoo
kale ay qayb ka tahay kan inkastoo iyaduna ay leedahay
xafiis iyadu ugaar ah oo xarunta dowladda hoose ku dhex
yaalla. Qof kasta oo kaalmo uga baahan in loogu jawaabo
su'aallo macaamiil ama gacan ku haynta lacagtooda waa
lagu soo dhowaynayaa in ay arkaan oo ay Monica iyo
Carina la fadhiistaan.
"Dadka badankood, inaga oo nala soo xiriiro ayaa ah
tallaabada ugu wayn. Qofka in ay haysato dhibaatooyinka
dhanka lacagta oo uu ubaahdo inuu utago qof dadkiisa
ka baxsan ayaa ah arrin aad shacuur uleh. Noocyo badan
oo dadka ka mid ah oo kaalmo u bahaan isla markaana
doonaya in ay kaalintooda ka gaystaan ayaa noo
yimaada." hadalkaa Carina ayaa tiri.
Laga caawiyo dib-u-qaabeyn dayn
Waxa ugu wayn ee sababa dayn tiro badan ayaa noqon
karo in ay ka timaado furniinka, xannuunka, ama in guriyi
aad ku iibso lacag aad u yar oo aad ku qasaarto. Intooda
badan Carina ayay caawinaad ugu tagaan si ay udalbadaan
dib-u-qaabeyntan dayn. Inta badan dhowr todobaad ayay
qaadataa inta Carina ay balan ay kaaga samaynayso.
"Laakin haddii aan dareemo in qofka isoo wacayo oo
walaacsan, inta badan dadka aan la shaqeeyo waan soo
kala hormarin karaa si sida ugu dhaqsaha badan aan u
caawiyo," sidaas ayay inoo sheegtay.
Farriin qaadaha markastaaba wuu shidan yahay
Monica iyo Carina midkooda waqti buuxa ula mashaqeeyo
tilmaame macaamiil ama la talinta daynta iyo lacagta, balse
markastaaba farriin qaadahooda wuxuu shidan yahay.
18
Haddii markiiba aysan ka jawaabi karin, markastaaba
telfoonka way soo celiyaan. Oo emailladoodana
markastaaba way soo jawaabaan. Monica todobaadkiiba
laba maalin ayaa waxay qabataa tilmame macamiil.
"Dhibaatada ugu wayn ee ay dadka ila soo xiriiraan ayaa
ah dhibaato dhanka telfoonka. Mar mar ayay dhacdaa
in dadka ay iigu yimaadaan marka laga dhaadhiciyo in
heshiiska telfoonka ay bedellaan laakin bedelaadii kii hore
ma uusan shaqayn. Marka qofka macaamiilka ah waxaa
usoo baxaya laba biil ee la doonayo inuu bixiyo," Monica
ayaa sidaa tiri.
Dawladda hoose kala xiriir wixii caawinaad ah
Dawaladdaha hoose oo dhan way ku qasban yihiin in
ay bixiyaan la tashi ku saabsan lacag iyo dayn waa sida
sharciga uu qabbo. Hagaha macaamiilka, ayaa dhanka kale
ah, mid aan sharciga amrayn, balse dowladdaha hoose ee
wadanka ka jira ayaa adeeggaas fidinaya.
Ma doonaysaa in aad ogaato sida ay uga shaqayso halka
aad adigu ku nooshahay? Booqo bogga internetka ee
dowladda hoose ee magaaladaada, ama u mar qatka saxda
www.konsumentverket.se
Monica iyo Carina waxay bixiyaan
talo-siin ku aadan dhaqaalaha
• Haddii aad shaqaalaysiinaysid qof kaa caawiya howlaha guriga,
isticmaal Hantverkarformuläret ("jawaabcelinta farshaxanlaha") oo
aad ka helayso Hay'adda Macmiilka ee Swedish.
• Mar walba biilka aqalka qoyskaaga marka hore bixi. Ahmiyadda sii
kirada, korontada, cuntada, iyo caymiska guriga ka hor inta aadan
wax kale ku qaban.
• Haddii ay dhibaato kaa haysato in lacagtaada ay bisha oo dhan
kuu gaarto, waxaad u qaybin kartaa tirada tobaadka ee kuu haray
inta laga gaarayo jeegga mushaarkaaga ee xiga. "Lacagtaada
todobaalaha" baqshad kale ku kaydi. Baqshad kasta waa in ay
noqotaa mid ku filan waxkasta oo aad hal sitimaan ubaahan tahay.
LACAGTAADA OGOW
Kaalmo bilaash ah waxaad
ka heli kartaa xafiisyada
macaamiilka
Waxaad heli kartaa la tashi bilaash ah
haddii dhibaato ay kaa haysato dhanka
telfoonka, TV-ga, Internetka, tamarta,
bangiga iyo caymiska. Waad soo wici
kartaa ama email ayaad soo diri kartaa.
Halkan ka aqri wax badan oo ku saabsan
Telekområdgivarna.
Maalin kasta oo maalmaha shaqada ah, qof khabiir ah
ayaa wuxuu soo fariistaa Telekområdgivarna oo su'aallaha
wuxuu uga jawaabaa dhanka telfoonka, email ahaan
iyo su'aallaha boostada ku yimaada. Bogga internetka
ee Telekområdgivarna, waxaad waxbadan ka aqrin
kartaa waxyaabaha sida qorshaha kala duwan iyo adiga
macaamiil ahaan xuquuqda aad leedahay marka laga
hadlayo dhanka TV-ga, telfoonka iyo internetka.
"Barta internetka ayaa ah tallaabada koowaad markii aad
su'aalo qabto," hadalkaasna waxaa tiri Camilla Brogren oo
Telekområdgivarna ka socota.
Su'aallaha caamka ah ee Telekområdgivarna la waydiiyo
Xafiisyada macamiilka waxay bixiyaan talo guud ah iyo
kaalmo kuwa doonayo inay naftooda kaalmeeyaan, balse
marnaba shaqsi gaar ah ma matalaan. Inta badan dadka
Telekområdgivarna waxay ula xiriiraan marka ay qabaan
su'aallo iyo cabasho ee iyagu quseeya, tusaale ahaan:
• Dhibaatooyinka ka timaada goorta ay wax soo
iibsadaan, goorta qofka macamiilka uu umaleeyo in
qofkii wax ka soo iibiyay uu siiyay macluumaad aan
jirin ama marin-habaabin.
• Macaamiilka lagu wareejiyo shirkad cusub iyagoon
sidaa aynu fahamsanayn.
• Xuquuqda ka tanaasulka inta lagu jiro muddada
heshiisyada aad gashay iyo wixii aad soo iibsatay.
Kuwa Telekområdgivarna waxay ku talinnayaan
• Markastaaba si fiican oo taxadir leh heshiiska oo dhan
isaga aqri.
• Ha rumaysan in aad heli doonto telfoonka gacanta oo
cusub ah iyo qalab kale oo bilaash lagugu siinayao.
• Dhammaan waxa laguu balanqaadayo qoraal ahaan
haluu siiyo oo saxiixan ha ahaado.
"Sidoo kale aad maanka ku hayso in heshiiska afka
laga yiraahdo yahay heshiis, sababtaas ayaa ah sababta
telfoonnada oo dhan loo wada duubayo," hadalkaas
waxaa yiri Mattias Grafström, Xoghayaha Fulinta Sare
[CEO] ee Telekområdgivarna."
Haddii Telekområdgivarna aad ula soo xiriirto, qof takhasusle ah ayaad jawaab
ka helaysaa. Kristian Ramirez ayaa ah mid ka mid ah iyaga oo su'aalaha kaaga
jawaabi kara iyadoo loo soo maro dhanka emailka, warqaddaha iyo telfoonka.
Afar xafiisyaha macaamiilka
Xafiisyada macamiilka dhabarkii waxaa ku yaalla
hay'addaha dowladda iyo ururada warshadaha.
Howlgelintooda waxaa maalgeliyay ganacsatada ku jira
isla shirkaddaha noocaas ah.
La soo xiriir xafiisyada macaamiilka
Xafiisyada oo dhan ayaa waxaad ka heli kartaa www.konsumenternas.se
Boggaga internetka ee xafiisyadan waxaad ka heli kartaa:
• Sida la isu barbardhigo lacagaha ay gooystaan bangiga iyo kaararka
bangiga.
• In aad aqriso heshiisyada ku saabsan shirkadda kala duwan ee
korontada, gaaska, iyo kulsiinta ee deegaanka.
• Isbarbardhigga caymiska baabuurta, dib u eeg caymiska carruurta oo
xisaabi kharashaadka dhowrka ah ee howl-gabka.
• In aad aqriso waxyaabo heshiisyada ku saabsan shirkaddaha TV-ga,
telfoonka iyo Internetka.
Xafiisyada waxay leeyihiin saacaddo ugo'an ee todobaad kasta waa inta
udhaxayso 9:00 AM iyo 12:00 PM. Howshoodu ayaa waxay tahay in ay
bixiyaan xaqiiqooyin iyo macluumaad ay ku siiyaan ka hor inta aadan
wax iibsan, shuruudaha heshiiska ayay kuu sharaxayaan, oo waxay kuu
sharaxayaan tallaabada aad qaadi la'hayd haddii aadan ku qanacsanayn
go'aanka ganacsiga aad ka heshay.
Lambarrada telfoonka ee xafiisyadan waa
Bangiga- och finansbyrån: 0200-22 58 00
Energimarknadsbyrån: 08-522 789 50
Försäkringsbyrån: 0200-22 58 00
Telekområdgivarna: 08-522 767 00
19
LACAGTAADA OGOW
Hay'addaha Macaamiilka
qiyaasaha 2015
Sannad kasta ayaa Hay'addaha Macaamiilka waxay sameysaa qiyaaso ay ku eegayso
kharashaadka suurtogalka ah ee aqalka qoyska oo kala duwan sida kharashkoodu
uu noqon la'haa. Xisaabaha ayaa waxay noqon karaan barta aad ka bilaabi la'hayd
goorta aad doonaysid waxa aad dhaqaalahaaga ka dhihi la'hayd. Sidoo kale
qiyaasahaaga ayaa waxaad ku barbardhigtaa kuweena.
Kharashaadka waxaa ku jira
Kharashaka bisha ee shaqsigii
Cuntada:Dhammaan cuntada guriga lagu kariyay. Kharashaadka ayaa ah
cuntooyinka ay qiyaaska ku samaysay. Hay'addaha Macaamiilka. Tan ayaa
ah cuntadii afar-todobaad, kaasoo daboolaysa nafaqada iyo kaalariga la
doonayo in maalin la'ha loo qaato oo loogu talagalay kooxaha da' kasta
isugu jira. Dalabka waxaa ka mid ah quraacda qadada, cashada iyo laba
ama seddex cunto-fudud. Dhammaan cutooyinka guriga aanan ka ahayn
qadada maalmaha shaqada. Kharashaadka cuntada ee aan ku jirin qada
shanta maalmood ee sitimaankiiba. (Carruurta iskuulka ayay qadadooda
Cuntada oo dhan guriga lagu kariyo
Cuntada oo dhan guriga lagu kariyo aysan ka ahayn
qadada la cunno maalmaha shaqada
ka cunnaan oo dadka qaangaarka ahna maqaaxida ayay qadadooda ka
cunnaan). Kharashaadka cuntada kale, sida xafladdaha iyo biriiryada
qaxwaha (ha noqoto mid guriga laga cabbo ama maqaaxida qaxwaha)
kuma jiraan. Adiga waa in aad kharashyada ku dartaa.
Waxyaabaha la isku nadiifiyo, oo ay ku jirto daryeelka ilkaha:Waxay qusaysaa
waxyaabaha sida saabuunta, daawada ilkaha, xafaayada, timo jarista iwm.
iyo kharashka booqashada takhtarka ilkaha ee sannadlaha (baaritaanka)
dadka qaangaark ah.
Carruurta
Gabdhaha
Wiilasha
6–11 bilood jir1
2–5
6–910–13
14–1710–13
760
770
930
1,520
1,680
1,880
1,920
580
590
720
1,160
1,290
1,440
1,470
0
1–23
4–6
7–1011–14
15–1711–14
Waxyaabaha la isku nadiifiyo, oo ay ku jrto daryeelka ilkaha
500
430
150
110
140
280
400
210
Dharka iyo kobaha
370
440
440
520
560580
590570
Madadaalada iyo ciyaarta
80
180
180
400
620710
720710
Telfoonka gacanta phone200
240200
Caymiska dhallaanka iyo dhalinyarada
130
130
130
130
130
130
130
130
Isugayn kharash, oo aan cuntada ku jirin
1,080
1,180
900
1,160
1,4501,900
2,0801,820
* Daryeelka ilkaha bilaashka dartii, isu-geyn kuwa ay da'doodu udhaxayso 18 iyo 19-sanno jir kharashkooda qiyaastii waa bishiiba 65 kronor ama in ka yar
Xisaabta waxaa lagu saleeyay baahida aassaasiga ee loo qabo adeegyada iyo walxaha oo waxaan ku muujinay
tusaalooyinka kharashkan. Qiyaasaha waa kuwo lagu saleeyay in aadan la'hayn waxnaanonimo ah ama xannuun
oo ubaahan kharashaad dheeri ah, tusaale ahaan qalab caafimaad ama dawooyin. Qiyaaso kale ayaa waxay yihiin
guriga ayaad ku nooshahay oo ma lihid kharashaad ah wax kaaga baxa darjiinka ama dayactir.
Maanka ku hay in qiyaasta aysan ahayn mid daboosha dhammaan kharashaadka aqalka qoyska. Safarka,
daryeelka caafimaadka, muraayadda indhaha, hidiyaddaha, feestooyinka, maaweelada, aalkolka, tubaakada iyo
qamaarka ayaa ah waxyaabaha kharashka ku kaca ee aan lagu soo darin.
Adiga xisaataada shaxanka hoose ku qor ama isticmaal qiyaasaha Hay'addaha Macaamiilka haddii aadan hubin
inta aad kharashgarayso. Ka dibna kharashkaaga ku soo wareeji miisaaniyadda bogga 23.
Cadada ku qoran shaxanka waxaa loo wareejiyay lacagta todoblayda ee kronor ugu soo dhow.
Halkan ka aqri
Haddii aad doonaysid in aad aqriso waxbadan oo ku saabsan qiyaasaha Hay'addaha Macaamiilka, Waxaad aqrin
kartaa Warbixinta 2013:1 iyo 2013:4, kaasoo aad ka soo degsan karto boggta internetka ee
www.konsumentverket.se
20
Kharashaadka bilasha oo la wadaago
Qiyaasta Hay'adda Macaamiilka
Walxahaha la isticmaali karo
Alaabta wax lagu cunno ee guriga i
qalabka guriga laga isticmaalo
Warbaahinta iyo isgaarsiinta
Caymiska Guriga
magaalo wayn
Magaalo iska dhexdhexaad ah
magaalo iska yar
Isugayn kharashaadka la wadaago
magaalo wayn
Magaalo iska dhexdhexaad ah
magaalo iska yar
LACAGTAADA OGOW
Labiska, kobaha:Hal baahi aassaasi ah ayaa ah labiska iyo kobaha maalin
kasta la isticmaalo, woqtiga faraaqada iyo munaasibadaha feestooyinka
dhowrka ah. Boorsada gacanta, saacaddaha, daladdaha iyo waxyaabaha kale
ayaa halkan ku jira.
Madaadalada, ciyaarta:Howalaha waqtiga firaaqada la qabto, boon-balada,
buuggag, qalabka barafka, baaskiil, ujrooyinka xubin ka ahaanshahaaga, iyo
si la mid ah.
Telefoonka gacanta:Kharashka telfoonka ee kaarka qaddiman.
Caymiska dhallaanka iyo dhalinyarada:Kharashka caymiska shilka iyo
caafimaadka ee loogu talagalay carruurta iyo dadka dhalinyarta. Sidoo kale
wuxuu daboolaa xannuunka iyo shilka kugu dhaca inta lagu jiro howlaha
tamashlaha.
Walxahaha macaamiilka:Walxahaha muhiimka ah ee maalin la'ha la isticmaalo
ee loogu talagalay daryeelka iyo howlaha guriga, sida saabuunta dharka iyo
nadiifista, xaashida musqusha iyo xaashida lagu tirtirto, iwm.
Alaabta wax lagu cunno ee aqalka qoyska iyo waxyaabaha yaryar ee guriga laga
isticmaalo:Saabaan, alaabta kushiinka, TV-ga, kombiyuutar, iwm. Talaajo
makiinada alaabta dhaqda, iyo makiinada dhardhaqa kuma jiraan.
Warbaahinta:Kharshka kaybilka, telfoonka guriga, ruqsada raadiyaha iyo TVga, warayska maalin kasta, iwm.
Caymiska guriga:Kharshka waxay ku xiran tahay cadada caymi ee guriga iyo
halka guriga ku yaalo. Magaalo wayn: in ka badan 200,000 ay ku noolyihiin.
Magaalo iska dhexdhexaad ah: 50,000–200,000 ay ku noolyihiin. Magaalo
yar: in ka yar 50,000 ay ku noolyihiin.
Haweenka
Ninka
14–17 18–30
31–6061–74 75+18–3031–60 61–74 75+
2,420
1,840
1,810
1,660
1,610
2,420
2,310
2,080
1,880
iyo
o
1,410
1,380
1,270
1,230
1,860
1,770
1,590
Hay'addaha
Macaamiilka
Qiyaastayda
kharashka
1,440
15–17 18–30
31–4950–60 61+18–3031–49 50–60 61+
250
520*
520
500
500
390*
390
390
390
580 600
600600
600580580 580
580
720 640
640640
640640640 640
640
240 250
240230
210250240 230
210
130
1,920
1 xubin
2,010
2,0001,970
1,9501,8601,850 1,840
1,820
2 xubnood
3 xubnood
4 xubnood
5 xubnood
6 xubnood
7 xubnood
100 130220260 320370410
370 450540620 730820880
940 970 9901,010 1,0301,0501,070
Xisaabtaada ku qoran shaxanka ku qoran bogga 23.
1,860
Kharashaadka aqalka
qoyskayga ee bilaha
120 130150160 160180180
90 100110110 120120120
80 90 90110 110110120
1,530 1,6801,9002,050 2,2402,4202,540
1,500 1,6501,8602,000 2,2002,3602,480
1,490 1,6401,8402,000 2,1902,3502,480
21
LACAGTAADA OGOW
Haddii lacagta
aysan ku filnayn
Halkan ka a
qri
www.krono
fogden.se
www.konsu
mentverke
t.se
www.datai
nspektione
n.se
Biilashaada waa in la bixiyaa. Daymahaaga xitaa. Cuntadu waa qaali oo kobahaaga
xilliga jiilaalka biyo ayaa soo galaya. Bishana hadda ayay bilaabatay balse adigu
lacagtii way kaa dhammaatay. Mar labaad. Horay ma ku qabsatay arrinkan?
Qof kasta dhibaato way qabsataa
Bilaha qaarkood biil badan iyo kharash badan ayaa kugu
soo aadaya. Haddii aad maaraysay in lacag aad kaydsato,
weli waad ka baxsan doontaa. Ama waxaa dhici karta in
aad leedahay xubno qoyska ka mid ah oo si kumeel gaar
ah kaalmo aad uga heli karto. Haddii ay kula tahay in
haddii kale, lacagtaada aad ku maarayn karto, waxaa laga
yaabaa in aad ku filan tahay oo aad isku dayi karto in aad
kordhiso lacagta aad kaydsato oo aad meeldhigato.
Miyay kugu adagtahay in bil kasta aad bixiso?
Haddii markastaaba ay ku haysato dhibaatooyin soo
noqnoqda oo ku aadan bixinta biilashaada, xaaladdahaaga
waa in si habboon wax uga badeshaa. Haddii kale waxaa
la soo diri doonaa ogaysiisyo ah in lacagtii aadan bixin
ama gurigaagaba lagaa soo saaro. Waan ku rajo weynahay,
in dhibaatooyinkaaga kaligaaga aad xallin karto muddada
yar ee aad haysato oo mar kale lugahaaga ku istaagto.
• Uguur guri raqiis ah ama qol iska ijaar.
• Ka tanaasul waxyaabaha aad bilkasta lacagta ku bixiso.
• Gaarigaaga iyo waxyaabaha guriga kuu yaala iska iibi.
Caawinaad ayaad heli kartaa
• La hadal kuwa biilasha kuu soo dira oo waxaad waydiisa
haddii bil kasta biilka inyar-inyar aad u bixin karto.
• Kala tasho latalaiyayaasha miisaaniyadda iyo daynta ee
magaaladaada, iyagaa ku siinaya talo bilaash ah.
Lacagtii aad bixin waydo diiwaangeli
Haddii biilka aad iska bixinwaydo, waxaa dhici karta in laguu soo
diro ogaysiis ah in lacagtii aadan bixin oona ogaysiiskaasna loo diro
shirkadda warbixinta aamminnaada laga diiwaangeliyo. Tani waa wax
adigu dhibaato kuu keeni kara. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in
laguu diido dayn aad bankiga ka amaan la'hayd ama telfoonka gacanta
ama internet aad doonaysay in aad soo gashato laguu diido. Sidoo kale
waxay kuu keenaysaa dhibaato ah in guriga aad kiraysato.
Dariiqa biilka lagu leeyahay ee aadan bixin loo diiwaangeliyo
• Biil ayaa ku soo gaaray.
• Haddii aad bixin waydo, warqad xusuus ah ayaa laguu soo dirayaa.
• Haddii aad taa bixin waydo, waxaa laguu soo dirayaa warqad kugu
amrayso in lacagta aad iska soo bixiso oo kaaga imanaysa shirkadda
ama kuwa uqaabilsan in lacagaha ururiyaan.
• Haddii aad taa bixin waydo, waxaad heli doontaa amar reebitaan ah oo
aad ku bixinayso oo ay soo diraan Maamulka Meelmarinta ee Swedish.
• Haddii aad taa bixin waydo, Maamulka Meelmarinta ayaa dayntaada
dhidibada utaagaya.
• Waxaa laguu diiwaangeliyaa in daynta ama lacagta lagugu la'haa aad
iska guddi wayday.
Haddii daynta lagugu sheeganaya aan ahayn mid sax ah, markaa waxaa
muhiim ah waa in sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah si qoraal
ah aad uga doodo. Warqadda doodana kaydso si markaa aad Maamulka
Meelmarinta aad u tusto haddii laguu soo diro amar lagugu leeyahay
lacagta iska bixi.
Haddii taa aad ku dhaqaaqi waydo, qaali
ayay kugu noqon doontaa
Biilalka aan la iska bixin islamariiba adiga oo ujeeda ayay kugu
kordhaysaa.
Talo-siin
Ma lagugu leeyahay wax dayn ah?
Ma jirtaa dayn lagugu leeyahay oo gaaraysa kumanaan kun oo kroner ah
dayntaasoo ka timd karedit kaarta daynta? Isku day in aad hesho
daynta bankiga oo sicirka dulsaarka hooseeyo oo isaga bixi dhammaan
lacagaha daynta ah ee lagu leeyahay. Ka dibna kaararka iska tuur si
markaa aysan kuu qabsan in mar kale aad ku qaadato dayn kale oo cusub.
22
Biilka telfoonka
600
Qorista lacagta aadan bixin lagugu xusuusinayo
60
Warqadda lacag ururinta
180
Warqadda Maamulka Meelmarinta ka socota
oo kugu amraysa in aad lacagta bixiso
300
Shirkadda uqaabilsan lacag ururinta
380
Ujrada lacag ururinta
600
Isugayn:2,120
LACAGTAADA OGOW
Miisaaniyaddaada
Shaxanka hoose, ku qor wixii daqli ah ee ku soo gala iyo kharashaadka
Saf-gudbankamiisaaniyadda iminka la joogo.
Si riyadaada aad ugaarto, waxaa dhici karta in aad
ubaahato in lacag badan aad meel dhigato. Samayso
miisaaniyad cusub oo ah sida aad jeceshahay in lacagtaada
aad u kharasgarayso si markaa ay kuugu soo harto lacagta
aad kaydsato.
Mar labaad dib u eeg waxyaabaha kharashka oo qor waxa
aad jeceshahay in aad hoos udhigto ama aad dhinto safmarkaMiisaaniyaddayda cusub. Waxa aad ka qaadanayso,
bedelkeeda kayda ayaad gashan kartaa. Hadda waxa
kaliya ee kuu soo haray ayaa waxay tahay in aad isku
daydo isticmaalka si waafaqsan miisaaniyaddada cusub!
Haddii tan aad maarayso, bil kasta kaydkaaga waa kuu
kordhayaa oo waxay suurtogalinaysaa in riyaddaada ay
kuu rumowdo, inyar-inyar.
Talo-siin
Ma waxaad raadinnaysaa talo dheeraad ah oo
dhaqaalahaaga ku saabsan?
Hagaha macaamiilka kala xiriir la taliyaha miisaaniyadda iyo
daynta uqaabilsan ee magaaladda aad degan tahay. Tafaasiisha aad
kula xiriir la'hayd waxaad ka heli kartaa: www.konsumentverket.se
Dakhliga bilaha iyo kharashaadka
Miisaaniyadda iminka la joogo Miisaaniyaddaada cusub
Daqliga guud (p. ka timid. 2)
Kharaashaadka
Cuntada (p. ka timid. 20)
Waxyaabaha la isku nadiifiyo, oo ay ku jrto daryeelka 20)
Dharka iyo kobaha (p. ka timid. 20)
Madadaalada iyo ciyaarta (p. ka timid. 20)
Telfoon lambarka (p. ka timdi. 20)
Caymiska dhallaanka iyo dhalinyarada (p. ka timid. 20)
Waxyaabaha macmiilka (p. ka timid. 20)
Alaabta wax lagu cunno ee guriga iyo qalabka guriga laga isticmaalo (p. ka timid. 20)
Warbaahinta (p. ka timid. 20)
Caymiska guriga (p. ka timid. 20)
Gaariga (p. ka timid. 8)
Caymis kale
Guriga
korontada guriga
Daymo (lacagta gun-dhiga iyo dulsaar)
Gaadiidka dad-waynaha
Lacagta ku baxda xubin ka ahaanshaha iskaashato iyo miisaaniyadda caymiska baagamuudada
Biilka takhtarka/daawada
Kuwa kale (tusaale ahaan nacnac, ciyaar, hadiyad, aalkohol, tubaako, xaywaanka guriga lagu rabaayadeysto, feesto)
Kaydka
Kharashka isu-gayn
NATIIJADA (Daqli ka jar kharashaadka)
Sidoo kale wel wel la'aan isku day in aad isticmaasho kalkuleetarka Hay'addaha Macaamiilka boggeeda laga helo www.konsumentverket.se
23
HAYE
MACAAMIIL!
Tilmam madax-banaani ee loo maro
Hay'adda Macmiilka ee Swedish
Adeeg macluumaadka cusub
Wixii ka bilawda 31 bisha Maarso 2015, waxaa jiri doona "Hålla konsument” (Haye Macaamiil), waa adeeg macluumaad cusub ee
loogu talagalay dhammaan macaamiisha. Halkaas, waxaad jawaabo u heli kartaa su'aallo ku saabsan iibsiga alaabta iyo adeegyada,
heshiisyada, iyo cabashooyinka, ama in aad hesho hagaha macaamiilka kugu habboon, la taliye dhanka miisaaniyadda ama daynta,
xafiisyada macaamiilka ama hay'adda dowladda oo intaa in kabadan ku caawin kara. Waxaad ula hadli kartaa la taliyayaasheena oo
aad u mari karto dhanka telfoonka, email ahaan ama aad la hadli karto oo waxbadan waxaad ka aqrin kartaa www.hallakonsument.se
0771-525 525 00
hallakonsument.se
1. Samayso miisaaniyadda aad ku salaynayso qiyaasta
miisaaniyadda ee Hay'addaha Macaamiilka
6. Halka aad gaarigaaga ka wadan la'hayd baaskiil
isticmaal
Sidoo kale kharashkaaga waxaad kula barbardhigi
kartaa qiyaasaha Hay'adda Macaamiilka waa
haddii aad jeceshahay.
Wadista baabuurka waa qaali. Baaskiil ku soco ama
gaadiidka dad-waynaha.
2. Kharashaadkaaga diiwaangeli oo xafid
Booqo www.energimyndigheten.se oo isticmaal
kalkulaator korontada si aad u aragto inta kuu soo
hari karta.
Kharashaadkaaga bisha oo dhan meel ku qor oo
waxaa kuu muuqan doona halka lacagtaada ay ku
baxayso.
3. Qorshee iibsashada cuntadaada
Todobaad kasta samayso dalab ah liis ay ku qoran
tahay waxa aad soo iibsanayo, oo horey uqaado
goorta dukaamaysi aad ubaxayso.
4. Qadaada aad cuni la'hayd horey uqaado
Adiga oo guriga ku diyaariya cuntada aad cuni
la'hayd oo qadada horey uqaado, bishiiba waxaa
meel ku dhigmaya boqolaal kronor ah.
5. Dib isaga fiiri qorshaha kharashka kaaga baxa TV-ga,
internetka, telfoonka, iwm.
Dhab ahaantii miyaad fiirsataa kanalladan
telfishiinka ee kuugu jira? Ma jiraa dariiq raqiis ah
oo telfoon ku isticmaali karto ama lagaaga soo diri
karo? Ma jiraa shirkad korontada bixisa oo jaban?
7. Korontada kaydi
8. Caymiskaaga aad haysato dib u eeg
Ma dhici kartaa in laba caymis aad haysato,
ama ma bixisaa caymis dhab ahaantii aadan u
baahnayn?
9. Daymaha lagugu leeyahay dib u eeg
Bangigaaga la xiriir oo kala gorgorta dulsaar ka
wanaagsan kan hadda aad bixiso. Laga yaabo in ay
tahay waqtigii bangiyada aad iska badeli la'hayd?
10. Go'aanso in waxaad soo iibsanaysid aad iska joojiso
Isku day in kaliya aad soo iibsato wax run ah ee
daruuriga ah ee aad bisha u baahan tahay. Imisa
ayaa markaa kharashgaraynaysaa?
Ma jecelaan la'hayd in buug yarahan oo badan aad hesho?
Buuggaagtan yar oo badan waxaad ka heli kartaa dowladda hoose ee degmadaada xafiiska
hagaha macaamiilka iyo la taliyayaasha miisaaniyadda iyo daynta.
Sidoo kale waxaa laga dalban karaa bogga internetka ee Hay'addaha Macaamiilka:
Maamulaha mashruuca iyo qoraalka Joel Samuelsson Sawirrada Øyvind Lund
Turjumaad Space 360 AB Habaynta Universitetstryckeriet, Karlstad Daabacaada Elanders
Konsumentverket, Box 48, 651 02 Karlstad. Telfoonka: 0771-42 33 00. konsumentverket.se
© Konsumentverket 2015 ISBN 978-91-7398-977-0
Halkan waa kan toban talo oo
miisaaniyadda la xiriira

Similar documents

kaaha qoraalka hogaamiyaha caafimaadka iswiiska

kaaha qoraalka hogaamiyaha caafimaadka iswiiska wareegidda jirka qaabilsan ama abuurta oo dhalisa xannuunada iyo jirrooyinka kankarada. Qiiqa sigaarku wuxuu khassare waxyeelo caafimaad u gaystaa sixada caafimaadka dadka aan sigaarka cabin, walib...

More information

Somali - Lausanne

Somali - Lausanne madaxeed ku leh. Jaamacadda Federaalka Tiknolojiyada Swiss (EPFL), Jaamacadda Lausanne (UNIL) Jaamacadda Caalamiga ee Horumarka Maareynta (IMD) ama École Hôtelière (Dugsiga Maamulka Hotellada). Lau...

More information