Nuurka Quluubta

Transcription

Nuurka Quluubta
1
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka labaad/waana lix juz
2
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka labaad/waana lix juz
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
3
Agoonka
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
‫اليتيم‬
‫صلى هللا عليه وعلى آله وسلم‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
4
Tusmada Guud ee Kitaabka
Mawduuca
1. Tusmada Kitaabla
2. Araarta dhigaha kitaabkaan
3. Qaybta Koowaad:Cabdu Allaahi
4. Qaybta Labaad: Aaminah
5. Qaybta Saddexaad: Aamina: Dib usoo noolaynta Cabdu Allaahi iyo Aaminah
6. Qaybta Afaraad: Aali Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
7. Qaybta Shanaad: Deeqada Ilaahay Siiyay Ahlu Al Baytka
8. Qaybta Lixaad: Karaamaynta Ilaahay Tacaalaa Nabigiisa Calayhissalaamu
9. Qaybta Toddobaad: Mucjizooyinka la siiyay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
10. Qaybta Sideedaad: Dadka Zamanka Fatrada noolaa
11. Qaybta Sagaalaad: Deeqaha goonida loo siiyay Nabigeenna Calayhissalaamu
12. Qaybta Tobanaad: Gunaanad
13. Qaybta Kow iyo Tobnaad: Digniin
14. Qaybta Laba iyo Tobnaad: Xuska Mawlidka
15. Qaybta Saddex iyo Tobnaad: Al Bidcatu
Bogga
4
5
7
85
585
597
215
261
275
279
414
451
452
456
445
5
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫الحمد هلل والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيراكلما ذكره الذاكرون‬
‫ أما بعد‬،‫وغفل عن ذكره الغافلون‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi
wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa Yawmi Al Ddiini.
Waxaan dareemay inay jirto baahi kitaab Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo afka soomaaliga lagu dhigay, markaasaan Salaatul Istikhaarah tuakaday oo aan
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ka baryay inuu dhigiddiisa i waafajiyo, iina sahlo, iina
barakeeyo, igana aqbalo. Kaddib waxaan dib ugu noqday kutubbo badan, ayna ka mid yihiin
kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\‫تفسير البغوي‬, Al Qurdhubii
‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir Caashuur‫ طاهر عاشور‬iyo kuwa kaleba, iyo kutubbada
Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo
Sunanka\‫ ;السنن‬Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex
iyo tobanka sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay
shan boqol kow iyo sideetan Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo dhintay saddex boqol iyo toban
Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al
Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijrig), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo
dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin
Muxammad bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫( القاضي اإلمام حسين بن محمد بن حسن الدياربكري‬oo dhintay
sagaal boqol iyo lixdan Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii ‫اإلمام علي بن برهان‬
‫( الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan Hijriga), Al Qadii Ciyaad \‫( القاضي عياض‬oo dhintay
shan boqol afar iyo afartan Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬,
(oo nuska dame ee qarnigii miiladiga ee lasoo dhaafay dhintay Allaha u naxariistee) , iyo
Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada
taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu
Ibnu Hishaam\‫سيرة إبن هشام‬, Al Rawdu Al Unuf‫ الروض األنف‬iyo Muxammadun Rasuulullaahi,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam\‫محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬, ee Cabdu Al Xamiid Jawdah Al
Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬, oo midkaan dambe uu yahay kitaabka laga sameeyey taxanaha
televisionka laga sii daayo oo isla magacaas leh.
Waxaan u arkay inaan taxane ka dhigo, intuu noqon lahaa hal kitaab oo wayn, ayna noqdaan
kutubbo yaryar oo si sahal ah loo akhrisan karo. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan
sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo.
Kitaabkaani aan hadda gacanta ku haynno oo cinwaankiisu yahay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo
Aaminah\‫آمنة‬, waa kii koowaad ee taxanahaas. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka
yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi
Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla \‫هللا عزوجل‬,
ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka
akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba
noogu kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor
yimaada mooyee.
6
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA Sabti, shan iyo labaatanka bisha Rabiicu Al Thaanii kun afar
boqol saddex iyo labaatan Hijriga, una dhiganta lixda Luulyo laba kun iyo laba miilaadiga.
Waxaan dib ugu noqday oo kaamilay 1434 Hijriga/laba kun saddex iyo toban Miilaadiga,
waxaanna markaan in badan kasoo qaatay kitaabka Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii calaa Al
Mawaahib Al Laduniyyahee Al Qasdhalaanii\‫ شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية للقسطالني‬,
Allaha labadoodaba raalli ka noqdee.
Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna waa sheegayaa oo xusayaa.
Watertown, South Dakota, USA
Maalin Arbaca ah soddonka bisha Rabiicu Al Aakhar kun afar boqol afar iyo soddon Hijriga, una
dhiganta saddex iyo tobanka Maarso laba kun saddex iyo toban miilaadiga ah.
7
Qaybta Koowaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa midka uunka ugu khayr badan
Wuxuu Bukhaarii/‫ البخاري‬Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ قرنا فقرنا حتى كنت من القرن الذي كنت منه‬،‫"بعثت من خير قرون بني آدم‬
"Bucith-tu min khayri quruuni banii Aadama, qarnan fa qarnan xattaa kuntu mina al
qarni allathii kuntu minhu ".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa la iga soo saaray facaha, ubadka Aadan kooda ugu khayr badan, facba midka ku xigah,
ilaa aan ka ahaaday faca aan ka ahaaday."
Qarni waa ama boqol sano ama hal fac ama hal jiil.
Muslim/‫ مسلم‬wuxuu ka wariyay Waathilatu ibnu al Asqac ibnu Cabdu al Cuzzaa al Kinaanii al
Llaythii/‫ واثلة بن األسقع إبن عبد العزى الكناني الليثي‬, saxaabiga ehelu al Suffah/‫ أهل الصفة‬ka midka ahaa,
duullaanka Tabuuk-na/‫ غزوة تبوك‬ka qayb galay oo dhintay sanadka Hijriga ee shan iyo sideetan
isagoo sideed iyo sagaashan jir ahaa, inuu yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
،‫ وإصطفى من قريش بني هاشم‬،‫ وإصطفى قريش من كنانة‬،‫"إن هللا إصطفى كنانة من ولد إسماعيل‬
".‫وإصطفاني من بني هاشم‬
"Inna Allaaha isdhafaa Kinaanata min waladi Ismaaciila, wa isdhafaa Qurayshan min
Kinaanata, wa isdhafaa min Qurayshin Banii Haashima, wa isdhafaanii min banii
Haashima".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu dhashay Ismaaciil ka dhexdoortay Kinaanata\‫ كنانة‬-oo ah qabaa'i1 Carbeed oo
ku abtirsada Kinaanatu bin Khuzaymatu/‫ كنانة بن خزيمة‬oo ah awoowaha saddex iyo tobnaad ee
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- Kinaanah-na wuxuu ka dhex doortay
Quraysh/‫قريش‬. Qurayshna wuxuu ka dhex doortay Banii Haashim /‫بني هاشم‬, aniguuna iga dhex
doortay reer Banii Haashim/‫بني هاشم‬."
Riwaayada Al Tarmathi-na/‫ الترمذي‬ee Xadiithkaan, oo uu isaguna wariyay, waa sidatan:
‫"ان هللا اصطفى من ولد ابراهيم اسماعيل واصطفى من ولد إسماعيل بني كنانة واصطفى من بني كنانة‬
".‫قريشا‬
8
"Inna Allaaha isdhafaa min waladi lbraahiima Ismaaciila, wa isdhafaa min waladi
Ismaaciila Banii Kinaanah, wa isdhafaa min Banii Kinaanah Qurayshan".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu dhasha Ibraahiim‫ ابراهيم‬ka doortay Ismaaciil‫ إسماعيل‬, wuxuuna dhasha
Ismaaciil ka doortay Banii Kinaanah\‫بني كنانة‬, Banii Kinaanah-na‫ بني كنانة‬wuxuu ka dhex doortay
Quraysh\‫قريش‬."
Ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬wuxuu ku ziyaadiyay Xadiithka mursalka ah ee abii Jacfar Al Baaqir ‫أبي جعفر‬
/‫الباقر‬:
‫"ان هللا اصطفى من ولد ابراهيم اسماعيل واصطفى من ولد اسماعيل بني كنانة واصطفى من بني كنانة‬
".‫ ثم إبن عبد المطلب من بني هاشم‬،‫ ثم إختار بني هاشم من قريش‬،‫قريشا‬
"Thumma ikhtaara Banii Haashim min Qurayshin, thumma ibna Cabdu Al Mudh-dhalib
min Banii Haashim"
oo Xadiithka macnihiisu uu yahay: "Kaddibna wuxuu Quraysh \‫ قريش‬ka dhex doortay Banii
Haashim\‫بني هاشم‬, kaddibna wuxuu reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ka dhex doortay dhasha
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫"عبد المطلب‬.
Fadliga/Sarreynta Carabta\‫فضل العرب‬
Xadiithkaan kore oo ay Muslim/‫ مسلم‬iyo al Tarmathii/‫ الترمذي‬wariyeen, wuxuu caddeynayaa
fadliga iyo deeqda uu Ismaaciil/‫ إسماعيل‬dheer yahay dhasha Ibraahiim/‫ إبراهيم‬intooda kale, uuna
Isxaaq/‫ إسحاق‬ka mid yahay, oo uu Ilaahay, sidaas, Carabta uga kormariyay cajamta.
Ibnu Taymiyyah/‫ إبن تيمية‬wuxuu yiri:
"Fadligaas uu Carabta siiyay, dabadeedna Quraysh/‫قريش‬, kaddibna reer Banii Haashim/‫بني هاشم‬,
ma aha oo keli ah inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayagaan ka dhashay, in kastoo
kaasi qayb fadliga iyo sarreyntooda ka mid ah tahay, ee waxaa weeye inay ayagu laftooduba inta
kale ka sarreeyaan, marka la fiiriyo akhlaaqda kariimka ah oo ay leeyihiin iyo tilmaamaha
xamiidka ah oo la mahdiyo oo ay leeyihiin, iyo afkooda Carabiga.".
Wuxuu yiri: "Sidaas ayay ugu sugnaatay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu ugu
sarreeyo naf ahaan iyo nasab ahaanba."
Ibnu Sayyidu al Nnaasi/‫ إبن سيد الناس‬wuxuu wariyay Xadiith Camr bin Al Caas/‫ عمرو بن العاص‬laga
wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫"ان هللا اختار العرب على الناس واختارنى على من انا منه ثم انا محمد بن عبد هللا حتى بلغ النضر بن كنانة ثم‬
".‫ فمن قال غير هذا فقد كذب‬:‫قال‬
"Inna Allaaha ikhtaara Al Caraba calaa al nnaasi, wa ikhtaaranii calaa man anaa minhu,
thumma anaa Muxammadun bin Cabdu Allaahi..." xattaa balagha Al Nadr bin Kinaanah,
thumma qaala: "fa man qaala ghayra haathaa fa qad kathaba. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
9
"Ilaahay Carabta ayuu dadka ka dhex doortay, aniguuna iga dhex doortay kuwaan ka dhashay.
Kaddibna anigu waxaan ahay Muxammad bin Cabdu Allaahi ‫محمد بن عبد هللا‬..." ilaa uu ka gaaray
Al Nadr bin Kinaanah‫ النضر بن كنانة‬, oo ah awoowaha laba iyo tobnaad ee Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam. Kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Qofkii yiraahdaa intaas wax ka duwan been ayuu sheegay".
Al Imaamu al xaafith Fatxu al Diini abuu Al Fatx Muxammad bin Sayyidu Al Nnaasi al Shaafici,
‫ اإلمام الحافظ فتح الدين أبو الفتح محمد بن سيد الناس الشافعي‬loona yaqaanno Ibnu Sayyidu Al Naasi ‫إبن سيد‬
‫الناس‬, noolaana inta u dhexeysey lix boqol iyo kow iyo todobaatan ilaa toddoba boqol iyo afar iyo
soddon ee Hijrada ayaa wuxuu Xadiithkaan ku wariyay kitaabkiisa Cuyuunu al Athari fii funuuni
al maghaazii wa al shamaa'ili wa al siyari/‫عيون األثر في فنون المغازي والشمائل والسير‬, mujalladka
koowaad bogga toddoba iyo labaatan.
Waxaa kaloo wariyay kitaabka Kanzu al Cummaali/‫) كنز العمال‬11/32119, 32120, 32121(.
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuu kitaabkiisa Al Jaamicu Al Saghiir/‫الجامع الصغير‬, Xadiithkiisa laba
boqol iyo shan iyo labaatan ku wariyay inuu Nabi Mixammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫"أحبوا العرب لثالث النى عربي والقرآن عربي وكالم اهل الجنة عربي‬
"Axibbuu Al Caraba li thalaathin: (1) li annii Carabiyyun, (2) Wa Al Quraanu
Carabiyyun, (3) wa kalaamu ahli Al Jaannati Carabiyyun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Carabta u jeclaada saddex sababood daraadood: (kow) Tan koowaade anigu waxaan ahay nin
Carab ah, (labo) waa tan labaade Quraanku waa af Carabi, (saddex) Waa tan saddexaade afka ay
dadka Jannada ku jira ku hadlaan waa af Carabi."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Bayhaqii/‫البيهقي‬, kuna wariyay kitaabkiisa Shucbu Al limaani
/‫ شعب اإليمان‬kana wariyay Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬, Allaha raalli ka wada noqdee, yirina waa
Xadiith saxiix ah.
Waxaa kaloo wariyay Al Xaakim/‫ الحاكم‬oo ku wariyay kitaabkiisa Al Mustadrik/‫المستدرك‬, yirina
waa saxiix.
Waxaa sidoo kale wariyay Al Dhabraanii/‫الطبراني‬, kuna wariyay kitaabkiisa Al Kabiiru/‫الكبير‬,
yirina waa Xadiith saxiix ah.
Al Tarmathii/‫ الترمذي‬wuxuu Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫العباس بن عبد المطلب‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiisa uu jeclaa oo uu weyneyn jiray, ka
wariyay inuu yiri:
"Waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayow, Quraysh/‫ قريش‬way abtir sadeen, oo ay aabayaalkooda xuseen, markaasey
waxay adiga tusaale ahaan kaa dhigeen sida geed timireed ku dhex yaalla "kabwatin/‫ "كبوة‬- Al
kabwatu/‫الكبوة‬, siduu ugu fasiray ibnu Al Athiir/‫ إبن األثير‬kitaabkiisa Al Nihaayatu fii Ghariibi Al
Xadiithi wa al Athar/‫ النهاية في غريب الحديث واألثر‬uu ugana wariyay Shamir/‫ شمر‬waa ciidda guriga
laga soo xaaqo. Wuxuu kaloona yiri: ghayrkiisna waxay yiraahdeen waa Al Kubatu/‫الكبة‬
waxayna ka mid tahay magacda naaquska ah-. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
10
‫"إن هللا خلق الخلق فجعلنى فى خيرهم وخير الفريقين ثم تخير القبائل فجعلني في خير القبيلة ثم تخير‬
".‫البيوت فجعلني في خير بيوتهم فانا خيرهم نفسا وخيرهم بيتا‬
"Inna Allaaha khalaqa al khalqa fa jacalanii fii khayrihim wa khayra al fariiqayni,
thumma takhayyara al qabaa'ila fa jacalanii fii khayri al qabiilati, thumma takhayyara al
buyuuta fa jacalanii fii khayri buyuutihim. Fa anaa khayruhum nafsan wa khayruhum
baytan."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
" Ilaahay khalqiga ayuu abuuray, markaasuu wuxuu iga mid dhigay qaybteeda ugu sharaf badan.
-Xadiithkaan wuxuu sidaas nas ku yahay inuu banuu Aadanku\‫ آدم‬Malaa'igta ka khayr badan
yahay, ayagoo ay Malaa’igtu khalqiga uu Ilaahay abuuray ka mid tahay. Ama muraadka labada
qaybood waa jinniga iyo insiga, ama waaba waa qaybaha dhasha Aadan /‫آدم‬-, wuxuuna i yeelay
labada qaybood tooda ugu sharaf badan, oo Carabta ah. Kaddib wuxuu kala doortay qabaa'ilka
Carabta, markaasuu iga mid dhigay qabiilka ugu sharaf badan, oo ah Quraysh/‫قريش‬, oo uu
Ilaahay iga ahaysiiyey. Markaasuu guryaha ugu sharaf badan kala doortay -waa jilbaha
qabiilkee- wuxuuna iga ahaysiiyey guriga ugu sharaf badan, oo ah Banuu Haashim/‫بنو هاشم‬.
Sidaas ayaan anigu waxaan ahay ruuxa iyo nafta ugu sharaf badan iyo kooda ugu asal sharaf
badan."
Al dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasalam, yiri:
‫"إن هللا حين خلق الخلق بعث جبريل فقسم الناس قسمين فقسم العرب قسما والعجم قسما وكان خيرة هللا‬
‫في العرب ثم قسم العرب قسمين فقسم اليمن قسما وقسم مضر قسما وقريشا قسما وكانت خيرة هللا في‬
".‫قريش ثم اخرجني من خير من انا منهم‬
"Inna Allaaha xiina khalaqa al khalqa bacatha Jibriila, fa qasama al naasa qismayni, fa
qasama al Caraba qisman wa qasama al cajama qisman, wa kaana khiiratu Allaahi fii Al
Carabi. Thumma qasama Al Caraba qismayni. Fa qasama al Yamana qisman, qa qasama
Mudar qisman, wa Qurayshan qisman, wa kaanat khiiratu Allaahi fii Qurayshin. Thumma
akhrajanii min khayra man anaa minhum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay markuu khalqiga abuuray wuxuu diray Jibriil\‫جبريل‬. Markaasuu dadka laba qaybood u
qaybiyay, oo uu Carab qayb ka dhigay, cajamtana qayb ka dhigay. Ilaahayna wuxuu doortay
Carabta oo ugu sharaf badan. Markaasuu Carabta laba qaybood u qaybiyay, oo uu markaas
Yaman\‫ يمن‬qayb ka yeelay, Mudarna\‫( مضر‬Mudar\‫ مضر‬waa awoowaha toddoba iyo tobnaad ee
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) qayb ka yeelay, Qurayshna \‫ قريش‬qayb.
Ilaahayna wuxuu doortay Quraysh\‫ قريش‬. Markaasuu wuxuu iga soo saaray kuwa ugu sharaf
badan oo aan anigu ka mid ahay."
Culummada qaarkood waxay yiraahdeen: "Kala sarreynta kala sharaf badnaanta nasabyada iyo
qabaa'ilka iyo guryahaba waxay la xiriirtaa tixgelinta sida abuuriddooda naftooda ugu kala sharaf
badan yihiin, iyo siday ugu kala fadli badan yihiin sifooyinkooda ay ku tilmaaman yihiin, xattaa
quudadkooda, oo uu Ilaahay qaarkood qaarka kale uga fadli yeelay rizqiga, siduu Cazza wa
Jalla\‫ عز وجل‬ugu yiri Aayadda kow iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Naxli/‫سورة النحل‬:
11
ِ ‫الرْز‬
ٍ ‫ض ُك ْم َعلَى َب ْع‬
‫ق‬
ِّ ‫ض ِفي‬
َ ‫َواللَّهُ فَض‬
َ ‫َّل َب ْع‬
"Wa Allaahu faddala bacdakum calaa bacdin fii al rrizqi(71)",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahay wuxuu ka fadilay qaarkiin qaar rizqiga(71)."
Wuxuu kaloo Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫عزوجل‬
Zukhruf‫ سورة الزخرف‬ku yiri:
‫هللا‬, Aayadda labo iyo soddonaad ee Suuratu Al
ٍ ‫ض َدرج‬
".)23( ‫ات‬
َ ‫ضهُ ْم فَ ْو‬
َ َ ٍ ‫ق َب ْع‬
َ ‫َوَرفَ ْع َنا َب ْع‬
"Wa rafacnaa bacdahum fawqa bacdin darajaatin(32)",
oo macneheedu yahay:
"Waana kor yeelnay qaarkood qaarka kale darajooyin(32)".
Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
/‫ اإلسراء‬ku yiri:
‫ هللا‬Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Israa'i ‫سورة‬
ِ ‫ات وأَ ْكبر تَ ْف‬
ٍ
ِ
ٍ ‫ضهُ ْم َعلَى َب ْع‬
َّ َ‫ف ف‬
".)32( ‫يًل‬
‫ضا‬
َ ‫ْانظُ ْر َك ْي‬
َ ‫ضْل َنا َب ْع‬
ُ َ َ ‫ض َولَ ْْلَخ َرةُ أَ ْك َب ُر َد َر َج‬
"Unthur kayfa faddalnaa bacdahum calaa bacdin wa la al aakhiratu akbaru darajaatin wa
akbaru tafdillan(21)".
Aaydda macneheedu waxaa weeye:
"Arag sidaan uga fadli yeelnay qaarkood qaarka kale (adduunka), Aakhiraase ka wayn
darajooyin kana wayn kala fadli yeelid(21)".
Ilaahay Rususha ayuu kala fadli yeelay oo uu qaarkood qaarka kale ka fadli yeelay, oo wuxuu
Cazza wa Jalla‫ عزوجل‬, Aayadda laba boqol iyo saddex iyo konton ee Suuratu Al Baqarah ‫سورة‬
/‫ البقرة‬ku yiri:
ٍ ‫ضهُ ْم َعلَى َب ْع‬
َّ َ‫الر ُس ُل ف‬
‫ض‬
ُّ ‫تِْل َك‬
َ ‫ضْل َنا َب ْع‬
"Tilka Al Rrusulu faddalnaa bacdahum calaa bacdin(253)",
oo macneheedu yahay:
"Kuwaasu waa Rasuulladii, waana ka fadilnaa qaarkood qaar kale(253)".
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Anbiyada ayuu qaarkood qaarka kale ka
fadli yeelay, siduu ugu sheegay Aayadda shan iyo kontonaad ee Suuratu Al Israa'i/‫سورة اإلسراء‬:
ٍ ‫ِّين َعلَى َب ْع‬
َّ ‫ض‬
َّ َ‫َولَقَ ْد ف‬
".)55( ‫ور‬
‫ود َزُب اا‬
َ ‫ض َوآَتَْي َنا َد ُاو‬
َ ‫ضْل َنا َب ْع‬
َ ‫النبِي‬
12
"Wa la qad faddalnaa bacda Al Nabiyyiina calaa bacdin(55)",
oo macneheedu yahay:
"Dhab ahaan ayaa-nna uga fadli yeelnay Nabiyada qaarkood qaarka kale(55)".
Sidaas oo kale ayay kala sarreynta iyo deeqdu ugu jirtaa inta kale oo la abuuray, siduu Ilaahay
Tacaalaa‫ هللا تعالى‬ugu yiri Aayadda afar iyo kontonaad ee Suuratu Al Maaidah/‫سورة المائدة‬:
‫َّللاِ ي ُْؤتِي ِه َم ْن يَ َشا ُء َو ه‬
‫َذلِكَ فَضْ ُل ه‬
". )55( ‫َّللاُ َوا ِس ٌع َعلِي ٌم‬
"Thaalika fadlu Allaahi yu'tiihi man yahsaa'u(54)",
oo macneheedu yahay:
"Taasina waa fadliga Ilaahay, wuxuuna siiyaa cidduu doono(54)".
Sidaas ayuusan kasoo qaad u lahayn hadalka kuwa oranaya:
"dadku waa hal nooc kulligiis, marka muxuu yahay kala sarreynta nasabdku?"
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عبد هللا‬
‫بن عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka wada noqdee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
‫"إن هللا إختار خلقه فاختار منهم بنى آدم ثم اختار من بنى آدم العرب ثم إختار ني من العرب فلم أزل خيارا‬
".‫ أآلمن احب العرب فبحبي أحبهم ومن أبغضى العرب فببغضي أبغضهم‬.‫من خيار‬
Inna Allaaha ikhtaara khalqahu fa ikhtaara minhum Banii Aadama. Thumma ikhtaara
min Banii Aadama Al Caraba, thumma ikhtaaranii mina Al Carabi, fa lam azal khiyaaran
min khiyaarin. Alaa man axabba Al Caraba fa bi xubbii axabbahum, wa man abghada Al
Caraba fa bi bughdii abgbadahum. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu kala doortay khalqigiisa kuwa ugu sharaf badan, markaasuu wuxuu ka doortay
Banii Aadanka. Kaddib wuxuu Banii Aadanka ka doortay oo ugu sharaf iyo khayr badan
Carabta. Kaddibna aniguu Carabta iga dhex doortay oo ugu sharaf badan uguna khayr badan, oo
sidaasaan waxaan ku ahay kan ugu sharaf badan oo kuwa ugu sharaf badan ka dhashay. War
hooy ogaada: qofka Carab jecel wuxuu u jecel yahay jeceylka uu aniga i jeceyl yahay daraadiis,
midka Carabta necebna wuxuu u neceb yahay nacaybka uu aniga. i neceb yahay daraadiis."
Riwaayad kalena waxay warisay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Waallam yiri:
".‫" ثم إختار بنى آدم فإختار منهم العرب‬
"Thumma ikhtaara Banii Aadama, fa ikhtaara minhum Al Caraba",
oo macneheedu yahay:
"Kaddib wuxuu doortay Banii Aadanka, markaasuu ayagana Carabta ka dhex doortay."
13
Al Tarmathii-na/‫ الترمذي‬wuxuu ka wariyay Salmaan Al Faarisii/‫ سلمان الفارسي‬inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫" يا سلمان ال تبغضني فتفارق دينك‬
"Yaa Salmaanu laa tabghadnii fa tufaariqa diinaka",
oo macneheedu yahay:
"Salmaanow‫ سلمان‬ha i nicin, maxaa yeelay haddad i nacdid Diinta ayaad ka baxaysaa".
Markaasaan waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayow, sideebaan kuu nacayaa ayadooba uu Ilaahay adigu igu kaa hanuuniyay?"
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"تبغض العرب فتبغضني‬
"Tabgadhu Al Caraba fa tabghadunii",
oo macneheedu yahay:
"Waxaad nacaysaa Carabta, markaasaad anigana i nacaysaa."
Salmaa Al Faarisi/‫سلمان الفارسي‬, Allaha raalli ka noqdee, siduu magaciisuba u sheegayo wuxuu
u dhashay dalka liraan/‫إيران‬, oo Carab ma uusan ahayn.
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu calii ka wariyay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"اليبغض العرب إال منافق‬
"La yabghadu Al Caraba illaa munaafiqun",
oo macneheedu yahay:
"Carabta ma uusan necba munaafaq mooyee".
Nasabka shariifka ah ee kan uunka ugu khayr badan, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Sidaas ayuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬nasabkaas sharafta leh uga daahiriyay zinada zamanka
jaahiliyada oo Islaamka ka horreeyey, sida kusoo aroortay Axaadiithta saxiixa ah ee suuban.
Al Bayhaqii/‫ البيهقي‬wuxuu ka wariyay ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬, Allaha labadoodaba raalli ka
noqdee, inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ ما ولدني إال نكاح االسالم‬.‫"ما ولدني من سفاح الجاهلية شيء‬
"Maa waladanii min safaaxi al jaahiliyati shay'un. Maa waladanii illaa nikaaxu al Islaami.
" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Igama uusan taaban, oo igama uusan soo gaarin zinada zamankii jaahiliyada shay'na, ee waxaan
ka dhashay aabayaal iyo hooyooyin -waana marka Adan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬laga soo bilaabo-
14
isku guursaday nikaax la mid ah nikaaxa Islaamka", oo ninka iyo haweentiisa isku xalaaleynaya,
yuusanba wada koobin shuruudaha nikaaxa Islaamkee.
Al Safaaxu/‫ السفاح‬waxaa la yiraahdaa zinada, erayguna wuxuu ka yimid safaxtu al maa'a ithaa
sababtahaa/‫سفحت الماء إذا سببتها‬, oo ah waan daadiyay biyaha, marka waa sida isagoo meel cidla ah
ku qubay oo ku lumiyay oo kale, si sir ah ha u sameeyo ama si jahri ah oo muuqatee.
Nikaaxa Jaahiliyada
Quraysh\‫ قريش‬iyo qabaa'il badan ee Carabeed waxay isku guursan jireen sidatan: ninka guurka
doonayaa wuxuu gabadhuu doonayo ka dooni jiray aabeheed ama waligeeda ama walaalkeed
ama adeerkeed ama ilmo adeerradeed, markaasey u guurin jireen, isaguna wuxuu siin jiray
meher. Waa caado guurka Islaamka u dhigantah.
Waxaa jiri jirtay cado ah inuu ninku tasaafaxa/‫ تسفح‬oo ah inuu ka zinaysto haweeney muddo, oo
ay markaas kaddib cajab geliso oo ay isu bogaan, markaas kaddibna ay is guursadaan, sidayba
noo xuseen Aayaadka afar iyo labaatan iyo shan iyo labaatan ee Suuratu Al Nisaa'i/‫سورة النساء‬
iyo Aayadda shanaad ee Suuratu Al Maa'idah/‫سورة المائدة‬.
Xadiithkaan aan soo sheegnayna intaasba waa ka guda weyn yahay, oo wuxuu ku saabsanyabay
nikaax kasta oo Islaamka hortiis jiray oo aan Islaamkana waafaqsanayn, sida guurka uu Ilaahay
Tacaala ku. magacaabay Zawaaju Al Maqti/‫( زواج المقت‬oo ah guurka loo caroodo, kuna xusan
Aayadda labo iyo labaatanaad ee Suuratu Al Nisaa'i/‫سورة النساء‬:
ِ
ِ ‫النس‬
ِ
ِ
".)33( ‫يًل‬
‫اء َسبِ ا‬
َ َ‫اء إِ ََّل َما قَ ْد َسل‬
َ ‫ف إَِّنهُ َك‬
َ ‫ان فَاح َشةا َو َم ْقتاا َو َس‬
َ ِّ ‫اؤ ُك ْم م َن‬
ُ ‫َوََل تَْنك ُحوا َما َن َك َح آ ََب‬
"Innahu kaana faaxishatan wa maqtan(22)"
oo macneheedu yahay:
"Waa xumaan iyo wax loo caroodo(22)"), oo ah curadka ninku inuu haweenta aabihiis qabay uu
dabadiis guursado, ama laba gabdhood oo walaalo ah oo la isla guursado oo isla mar la wada
qabo; ama haweenka zinaysta oo la guursado, oo ah sidatan: rag badan ayaa haweeney
wadaagaya oo la wada gogol galaya, markaasey hadday cunug dhasho la siinaya ninkuu ugu
ekaansho badan yahay oo ayagaas ka mid ah.
Waana hadday wiiil dhasho, oo hadday gabar dhasho cidna uma ayan yeeri jirin, ayagoo
gabdhaha necbaa.
Guurkaas ama nikaaxaas waxaa la yiraahdaa Nikaaxo al bighaayaa/‫نكاح البغايا‬, oo ah guurka
dhillooyinka.
Nikaaxyadaas waxaa kaloo ka mid ah midka la yiraahdo Nikaaxu al istibcaadi/‫( اإلستبعاض‬waa
dhaadka kor dhibicda ku leh oo saadka ku xigah) oo macnihiisu yahay Nikaaxa weydiisashada la
gogol gelidda, oo ahaan jiray sidatan: markay haweentu dhiigga caadada daahir ka noqoto, ayuu
ninkeedu wuxuu ku leeyahay:
"hebel u ciddirso oo inuu kula gogol galo weydiiso", hebel oo ahaa ama nin geesi ah, ama madax
ah ama xikmo iyo wax la mid ah lahaa. Sidaas ayayna yeeleysaa. Markaas ay daahir noqotay
15
kaddib ninkeedu u tegi mayo ilaa ay hebel la gogol gasho oo ay uurkiisa yeelato, uurkuna soo
muuqdo oo la arko. Markuu uurku muuqdo kaddib ayuu ninkeedu u tegeyaa, hadduu doono.
Nikaaxyada jaahiliga waxaa ka mid ahaa, midka la yiraahdo Nikaaxu Al jamci/‫ نكاح الجمع‬oo ahaa
sidatan: rag aan toban gaarin ayaa waxay u wada tegeyaan dhammaantood haweeney zaaniyad
ah oo kuwa guryaha ijaarta ka mid ah. Markay uur qaaddo oo ay dhasho, oo dhaliddeeda
habeenno kasoo wareegaan, ayay raggii u ciddireysaa oo ay u wada imaanayaan, uusan
midkoodna harayn. Markaasey waxay leedahay: "waad ogsoon tihiin wuxuu amarkiinnu ahaa,
waanna dhalay ee hebelow cunuggu waa cunuggaaga", ayadoo midkay jeclaato magacaabeysa,
kaasoo cunuggaas leh, uusanna diidi karin, yuusanba u ekaanin hadduu doonee.
Nikaax kale isaga waxaa la oran jiray Nikaaxu al Badli/‫ نكاح البدل‬oo macnihiisu yahay guurka is
dhaafsashada, ahaana sidatan: laba nin oo kala qaba laba haweeney ayaa haweenkooda is
dhaafsanaya oo way isku beddelanayaan, oo midkoodba haweenta ninka kale ayuu la tegayaa oo
haweentiisa noqoneysa.
Nikaax kale wuxuu ahaa midka la yiraahdo Nikaaxu al akhadaani/‫نكاح األخدان‬, oo khadn/‫خدن‬
macnihiisu waa saaxiib, ahna midka ku xusan Aayadda shanaad ee Suuratu Al Maa'idah ‫سورة‬
:‫المائدة‬
ٍ ‫َخ َد‬
‫ان‬
ْ ‫َوََل ُمتَّ ِخِذي أ‬
"Wa laa muttakhithii aklidaanin(5)"
oo macneheedu yahay:
"Yeelaneyninna saaxiibbo(5)", oo waxay oran jireen haddii saaxiibtinnimadaasu qarsoontahay
dhib kuma sugna, haddiise la ogaado, waa ceeb.
Waxaa ayaduna guurka jaahiliyada ka mid ahaa Nikaaxu al Mutcati/‫نكاح المتعة‬, ahna ayadoo
haweenta loo guursado muddo cayinan oo marka waqtigaas la gaaro la furayo.
Waxaa kaloo ka mid ahaa Nikaaxu al Shighaari/‫نكاح الشغار‬, oo ahaa inuu ninku nin kale
gabadhiisa ama walaashiis u guuriyo kuna xiro shardiga ah inuu isaguna gabadhiisa ama
walaashiis u guuriyo.
Ku noqosho Nasabka Sharafta leh ee Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬iyo Ibnu Casaakir/‫ إبن عساكر‬waxay Muxammad bin Al Saa'ib al Kalbiyyi ‫محمد‬
‫ بن السائب الكلبي‬ka wariyeen inuu yiri:
"Waxaan dhigay shan boqol oo hooyo ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Shantaas
boqol oo hooyana kamana aanan dhex helin zino iyo shay' wixii ka mid ahaa umuuraha
jaahiliyada (oo macneheedu yahay in lagu wada guursaday nikaax ee ayan zino meelna kasoo
gelin)" oo uu ka wado hooyooyinka aabayaalkiisa iyo hooyooyinkiisa dhalay xagga aabaha iyo
xagga hooyadaba.
Kitaabka Nasiimu al Riyaadi/‫ نسيم الرياض‬wuxuu wariyay:
16
"Haddaad hadalkooda u fiirsatid, ma ay jirto qabiil Carbeed oo aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku lahayn dhalid ama qaraabannimo".
Wuxuu al Dhabraanii/‫ الطبراني‬Calii bin Abii Dhaalib/‫على بن أبي طالب‬, Calayhissalaamu, ka
wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ لم يصبني من نكاح الجاهلية‬.‫" خرجت من نكاح ولم أخرج من سفاح من لدن آدم الى أن ولدني أبي وامي‬
".‫شيء‬
"Kharajtu min nikaaxin wa lam akhruj min safaaxin min ladun Aadama ilaa an waladanii
abii wa ummii. Lam yusibnii min nikaaxi al jaahillyati shay'un."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ka imid oo aan ka dhashay aabayaal iyo hooyooyin nikaax isku guursaday, kamana
aanan soo bixin oo kuma aanan dhalan zino, laga soo bilaabo Aadan ilaa laga soo gaaro oo ay i
dhalaan aabahay iyo hooyadey. Shayna igama soo gaarin nikaaxa dadkii jaahiliyada".
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu ku wariyay kitaabkiisa Al Awsadhu/‫الوسط‬.
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Ibnu Casaakir‫ إبن عساكر‬iyo ibnu Cadiyyi/‫ إبن عدي‬iyo Abuu
Nucaym/‫إبو نعيم‬, oo ka wariyey Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬oo yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ لم يزل هللا ينقلني من االصالب الطيبات الى االرحام الطاهرات مصفى‬.‫"لم يلتق أبواي قط على سفاح‬.
".‫مهذبا ال تتشعب شبعتان إال كنت في خيرهما‬
"Lam yaltaqi abawaaya qadh-dhu calaa safaaxin. Lam yazili Allaahu yanqulunii mina al
aslaabi al dhayyibaati ilaa al arxaami al dh-dhaahiraati musafaa muhath-thaban laa
tatashacabu shucbataani illaa kuntu fii khayrihimaa ".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Laba i dhashay, waana aabe iyo hooyo uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku abtirsado,
waligood zino isuguma imaan. Ilaahay wuxuu si joogto ah weligiis iga rarayey dhabarro fiican
-waana duudadka aabayaal suusuuban- iina rarayey ilmo galeenno daahir ah, anigoo saafi ah oo
daahir ah. Mar kastoona uu aabena laba farac yeesho oo ay ka wada farcamaan, waxaan ku
sugnaa midkooda labaas khayrka badan", oo waa, tusaale ahaan, hadduu aabe laba wiil dhalo,
wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku abtirsadaa kooda khayrka badan. Waxaa
kaloo Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu Aayadda laba boqol iyo sagaal iyo labaatanaad
ee Suuratu Shuuraa/‫ سورة الشورى‬oo oraneysa:
".‫"وتقلبك في الساجدين‬
"Wa taqallubaka fii al saajidiina(129)"
oo macneheedu yahay:
"La gadgaddoonkaaga kuwa sujuudaya (tukanaya)(129)", uu ku fasiray oo uu yiri:
17
"muraadkeedu waxaa weeye in laga raray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duudka Nabi, loona
raray duudka Nabi kale", kuwo aan Nabiyyo ahaynba ha u dhexeeyeene "ilaa aan kaa soo saaro
adigoo Nabi ah".
Waxaa Xadiithka wariyay Al Bazzaar/‫البزار‬, oo ah al callaamah, al xaafith, kan caanka ah Abuu
Bakar Axmad bin Camr bin Cabdu Al Khaaliq, al Basrii ‫العالمة الحافظ أبو بكر بن عمر بن عبد الخالق‬
/‫البصري‬, sannifayna kitaabkiisa Al Musnadu Al Kabiiru/‫المسند الكبير‬, kuna dhintay Al Ramlah
sanadka laba boqol iyo labo iyo sagaashanka Hijriga.
Waxaa kaloo wariyay ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬iyo abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬oo al Dalaa'ilu/‫ الدالئل‬ku
wariyay sanad saxiix/‫ صحيح‬ah, iyo al Dhabraanii/‫ الطبراني‬oo ka wariyay rag lagu kalsoon yahay.
Waxaa kaloo ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬laga wariyay markuu Aayaddaas aan soo sheegnay
fasirayey inuu yiri:
"Wuxuu ahaa Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mid ku gadgaddooma oo u kala gudba
duudadka Anbiyada ilaa ay hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Aaminah ka dhasho."
Waxaa Xadiithka wariyay Abuu Nucaym/‫أبو نعيم‬.
Waxaa laga wariyay Jacfar Al Saadiq bin Muxammad/‫ جعفر الصادق بن محمد‬inuu aabihiis
Muxammad Al Baaqir/‫ محمد الباقر‬tafsiirka, Aayadda boqol iyo sideed iyo labaatanaad ee
Suuratu Tawbah/‫ سورة توبة‬oo oraneysa:
‫اء ُك ْم َر ُسو ٌل ِم ْن أ َْنفُ ِس ُك ْم‬
َ ‫لَقَ ْد َج‬
"La qad jaa'akum Rasuulun min anfusikum(128)"
oo macneheedu yahay:
"Waxaa idiin yimid Rasuul adinka idinka mid ah(128)", uu ka yiri:
"Waxaa ka mid ah dhalmada jaahiliyada ma ayan taaban".
Wuxuu kaloo Muxammad Al Baaqir/‫ محمد الباقر‬yiri:
"Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"خرجت من نكاح غير سفاح‬
"Kharajtu min nikaaxin ghayra safaaxin"
oo macneheedu yahay:
"Waxaan ka dhashay nikaax oo kama aanan imaan zino".
Waana Xadiith mursal ah, isagoo uu Muxammad Al Baaqir/‫ محمد الباقر‬taabici yahay, uusanna,
saxaabi ahayn Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka qaatay.
Waxaa kaloo Anas bin Maalik bin Al Nadr Al Ansaarii al Khazrajii al Saxaabii ‫أنس بن مالك بن‬
‫النضر االأنصاري الخزرجي‬, caankana ah, ahaana adeegaha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhintayna sanadka labo iyo sagaashanaad ama saddex iyo sagaashanaad ee Hijriga, laga wariyay
inuu yiri: "Nabigaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu akhriyay Aayadda
18
‫اء ُك ْم َر ُسو ٌل ِم ْن أ َْنفُ ِس ُك ْم‬
َ ‫لَقَ ْد َج‬
"La qad Jaa'akum Rasuulun min annfusikum(128)" (boqol iyo labaatan iyo sideed ee
Suuratu Tawbah‫)سورة التوبة‬, markaasuu wuxuu yiri:
".‫ كلهم نكاح‬.‫ ليس في آبائي من لدن آدم سفاح‬.‫"أنا أنفسكم نسبا وصهرا وحسبا‬
Anaa anfusukum nasaban wa sihran wa xasaban. Laysa fii aabaa'ii min ladun Aadama
safaaxun. Kullunaa nikaaxun".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigaa idiinku nasab fiican, idiinkuna xidid fiican xagga aabayaalka iyo xagga hooyooyinkaba,
idiinkuna sharaf badan, oo aabayaalkey, laga soo bilaabo Aadan, zino ma ayan soo dhex gelin,
oo kulligeen nikaax ayaan ku dhalannay."
Xadiithka waxaa wariyay Marduwayh/‫مردويه‬, oo ah al xaafith Abuu Bakar bin Axmad bin
Muusaa bin Marduwayh/‫الحافظ أبوبكر بن أحمد بن موسى بم مردويه‬, dhashayna sanadka Hijriga ee
saddex boqol iyo saddex iyo soddon, sannifayna kutubbo taariikh iyo tafsiir iyo Xadiith iyo
faallo uu Bukhaarii/‫ البخاري‬ku daray, ahaana nin aad u fahamsan amarkaan, raggana fiiro dheer u
lahaa, baaciisuna uu dheeraa xagga cilmiga, kutubbadiisuna ay macaanaayeen, wuxuuna dhintay
ayadoo ay lix ka hartay bisha Ramadaan. ee sanadka afar boqol iyo toban ee Hijrada.
Sidaas ayuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu uga dhashay silsilad
daahir ah, oo dhammaantood xalaal isku guursaday, xalaalna ku wada dhashay, oo sidaasuu
khalqiga oo idil ugu aabayaal iyo hooyooyin fiican yahay.
Jibriil Calayhiissalaamu/‫جبريل عليه السالم‬
Wuxuu abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬ka wariyay Caa'ishah/‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, midda
runleyda ahayd uuna dhalay runlowga Al Siddiiqu/‫الصديق‬, oo ka warisay Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo yiri inuu Jibriil/‫ جبريل‬isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
‫ولم أر بني أب أفضل‬, ‫"قلبت مشارق االرض ومغاربها فلم أر رجال أفضل من محمد عليه الصالت والسالم‬
".‫من بني هاشم‬
"Qalabtu mashaariqa al arli wa maghaaribahaa fa lam ara rajulan afdala min
Muxammadin calayhi al ssalaatu wa al ssalaamu, wa lam ara banii abbin afdala min Banii
Haashima. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan fatashay arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisa, mana aanan arag nin ka fadli
badan Muxammad/‫محمد‬, Calayhi al ssalaatu wa al ssalaamu, mana aanan arag ubad aabe dhalay
oo ka fadli badan dhasha Banii Haashim/‫بني هاشم‬."
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu Xadiithkaan ku wariyay al Awsadh/‫األوسط‬.
19
Waxaa kaloo wariyay Axmad/‫ أحمد‬iyo Al Bayhaqii/‫ البيهقي‬iyo al Daylamii/‫ الديلمي‬iyo ibnu Laal ‫إبن‬
‫ الل‬iyo ghayrkoodba.
Xadiithkaan wuxuu lmaam Ibnu Xajar/‫ اإلمام إبن حجر‬ka yiri, waana al xaafith abuu Al Fadl Axmad
bin Caliyyi bin Muxammad bin Muxammad bin Caliyyi bin Xajar al Kinaanii al Casqalaanii,
kaddibna al Misrii al Shaaficii ‫الحافظ أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن محمد بن علي بن حجر الكناني‬
‫العسقالني ثم المصري الشافعي‬, oo dhashay sanadka Hijriga ee toddoba boqol iyo saddex iyo
toddobaatan, marka horena bartay al adab iyo gabayada oo fiidda ka gaaray, kaddibna wuxuu
bartay Xadiithka oo uu culummo badan ka bartay, oo uu funuuntiisa oo idil fiidda ugu sarreysa
ka gaaray ilaa uu ka gaaray in loo soo safro si looga barto Xadiithka, wuxuuna noqday oo u
sugnaatay madaxtinnimada Xadiithka ee adduunkoo idil, wuxuuna dhigay kutubbo badan,
yeerinna looga qoray kun majlis in ka badan. Waxaana kutubbadiisa ka. mid ah Fatxu Al Baarii
bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii/‫فنح الباري بشرح صحيح البخاري‬. Ibnu Xajar/‫ إبن حجر‬wuxuu
Xadiithkaan ka yiri: "Matniga Xadiithkaan waxaa ka muuqda inuu saxiix yahay".
Xadiithka Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee Quraysh\‫قريش‬
Wuxuu Muxammad. bin Cumar Al Cadanii/‫محمد بن عمر العدني‬, oo ah Sheekha Imaam
Muslim/‫مسلم‬, Musnadkiisa/‫ في مسنده‬Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas/‫ عبد هللا إبن عباس‬uga wariyay
inuu yiri:
‫ يسبح ذلك النور وتسبح المالئكة‬،‫"أن قريشا كانت نورا بين يدي هللا قبل أن يخلق آدم بألفي عام‬
".‫بتسبيحه‬
Oo macnihiisu yahay:
"inay Quraysh\‫قريش‬, oo ah midda lagu liibaaniyay Islaamka ay ahayd nuur ku sugan labada
Gacnood ee Ilaahay dhexdooda ka hor intaan la abuurin Aadan laba kun oo sano, ayadoo uu
nuurkaasi Subxaanalleysanayo, Malaa'igtuna ay tasbiixdiisa ayaguna markaas ku tasbiixsaneyso
(oo ah inay markay Qurayshi tiraahdo Subxaana Allaahi/‫ سبحان هللا‬ayay Malaa'igtuna Subxaana
Allaahi/‫ سبحان هللا‬ka daba leedahay)".
Ibnu Al Qadh-dhaan/‫ إبن قطان‬wuxuu yiri:
"Xadiithkaan iyo Xadiithka Calii/‫علي‬, oo, hadda nasoo maray, waxaa loo mideynayaa ayadoo uu
nuurka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jirmi loo yeelay laba iyo toban kun oo sano
abuuritaanka Aadan\‫ آدم‬ka hor, kaddibna Quraysh\‫ قريش‬inteeda kale lagu daray, tasbiixdana lagu
dhawaajiyay, oo ay tasbiixsadeen."
20
Abtirsiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Abtirsiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa sidatan:
Magaciisa: Muxammad/‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Aabihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Awoowihiis Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬,
magaciisuna waa Shaybah/‫شيبة‬.
Awoowihiisa labaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Haashim/‫هاشم‬, magaciisuna waa
Camr/‫عمرو‬.
Awoowihiisa saddexaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Manaaf/‫عبد مناف‬,
magaciisuna waa Al Mughiirah/‫المغيرة‬.
Awoowihiisa afaraad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Qusayy/‫قصي‬, magaciisuna:
Zayd/‫زيد‬.
Awoowihiisa shanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kilaab/‫كالب‬.
Awoowihiisa lixaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Murrah/‫مرة‬.
Awoowihiisa toddobaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kacb/‫كعب‬.
Awoowihiisa sideedaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Lu'ayy/‫لؤي‬.
Awoowihiisa sagaalaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Ghaalib/‫غالب‬.
Awoowihiisa tobnaadaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Fihr/‫فهر‬, magaciisuna waa
Quraysh/‫قريش‬.
Awoowihiisa kow iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Maalik/‫مالك‬.
Awoowihiisa laba iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Al Nnadru/‫( النضر‬daad).
Awoowihiisa saddex iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kinaanah/‫كنانة‬.
Awoowihiisa afar iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Khuzaymah/‫خزيمة‬.
Awoowihiisa shan iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Mudrikah/‫مدركة‬,
magaciisuna waa Caamir/‫عامر‬.
Awoowihiisa lix iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Ilyaas/‫إلياس‬.
Awoowihiisa toddoba iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Mudar/‫( مضر‬waa
daad).
Awoowihiisa sideed iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Nizaar/‫نزار‬.
Awoowihiisa sagaal iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Macadd/‫معد‬.
Awoowihiisa labaatanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cadnaan/‫عدنان‬.
Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis waa Cabdu Allaahi bin Cabdu Al
Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf/‫عبد هللا بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬.
Cabdullaahi hooyadiis waxay u dhalatay qabiilka Quraysheed ee reer Banii Makhzuum/‫بني مخزوم‬,
magaceeduna waxaa weeye Faadhimatu bintu Cumar bin Caa'ith (waa thaal korka dhibicda ku
leh oo deelka ku xigah) bin Cimraan bin Makhzuum bin Yaqthata (waa tha-da korka halka dhibic
ku leh oo dha ka dambeysah), bin Murrata bin Kacab bin Luayy' bin Ghaalib bin Fihr ‫فاطمة بنت‬
21
‫( عمر بن عائذ بن عمران بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka
magaciisu Quraysh/‫ قريش‬yahay). Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬koofaartiisu waxay ahayd Abaa
Quthmin/‫أبا قثم‬, waxaa kaloo la yiri Abaa Muxammad/‫أبا محمد‬, waxaa kaloo la yiri Abaa
Axmad/‫أبا أحمد‬.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wuxuu dhashay shan iyo labaatan sano sanadka maroodiga ka hor,
waxayna isku bah ahaayeen Abuu Dhaalib/‫ أبو طالب‬iyo Al Zubayr/‫ الزبير‬oo ah adeerrada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu 'Alayhe Wasallam, iyo gabdhaha uu aabihiis dhalay oo idil intaan
Safiyyata /‫ صفية‬ahayn, kuwaasoo kala ahaa Caatikatu/‫عاتكة‬, iyo Umaymatu/‫أميمة‬, iyo
Barratu/‫برة‬, iyo Ummu Xakiim al Baydaa/‫أم حكيم البيضاء‬, iyo Arwaa/‫أروى‬, oo ah eedooyinka
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wiilasha la dhashay oo walaalihiis ah waxay ahaayeen: (1) Al
Cabbaas/‫العباس‬, (2) Abuu Dhaalib/‫أبو طالب‬, (3) Diraaru/‫ضرار‬, (4) Abuu Lahab/‫أبو لهب‬, (5) Al
Muqawwamu/‫المقوم‬, (6) Cabdu Al Kacbati/‫عبد الكعبة‬, (7) Xamzatu/‫حمزة‬, (8) Al Zubayru/‫الزبير‬,
(9) Al Xaarithu/‫الحارث‬, (10) Quthamu/‫قثم‬, (11) Xajlu/‫حجل‬, (12) Al Ghaydaaqu/‫الغيداق‬.
Culummada qaarkood waxay ka reebeen Al Ghaydaaqu /‫ الغيداق‬oo waxay yiraahdeen waa isla
ninka Al Xajalu/‫ الحجل‬la yiraahdo.
Culummo kalena waxay yiraahdeen adeerrada Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
ahaayeen toban oo waxay kasii reebeen Cabdul Kacbati /‫ عبد الكعبة‬oo waxay yiraahdeen waa isla
ninka Al Muqawwam/‫ المقوم‬la yiraahdo.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬aabihiis aad ayuu u jeclaa, isagoo caruurtiisa ugu qurxoonaa, uguna
dhawrsanaa, uguna gobsanaa.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wuxuu ahaa nin cad, wajigiisana uu nuur ka kaahayo.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wuxuu leeyahay qiso yaab leh, una dhigantah midda awoowihiis Nabi
Ismaaciil/‫إسماعيل‬, Caleyissalaamu, qisadiisuna waxay ahayd sida soo socota.
Guridda biyaha iyo duugidda Ceelka Zamzam/‫زمزم‬
Nabi Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ayaa aabihiis Nabi Ibraahiim/‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu dabadiis gacanta
ku qabtay maamulidda Kacbada iyo ceelka Zamzam/‫زمزم‬.
Nabi Ismaaciil\‫ إسماعيل‬kaddib, waxaa hawshaas la wareegay wiilkiisa Naabit/‫نابت‬. Naabit
dabadiis waxaa xilkaasi u wareegay abtigiis magaciisu ahaa Mudaad /‫( مضاض بن عمرو الجرهمي‬waa
daalka dibicda korka ku leh) bin Camr al Jurhamii\‫عمرو الجرهمي‬, oo qabiilka Jurham/‫ جرهم‬u
dhashay, Jurhamna wuxuu ahaa nin ka mid ah siddetankii nin oo doonta Nabi Nuux/‫ نوح‬saarnaa,
Nuuxna wuxuu u ahaa awoowe oo wiilkiisa ayaa dhalay.
Qabiilkaas Jurham\‫ جرهم‬waxay xilka maamulidda Baytka haysay toddoba boqol oo sano in ka
badan, ilaa ay kasoo gashay gacanta ninka ayaga u dhashay, boqorkoodana ahaa lana yiraahdo
Al Xaarith bin Mudaad bin Camr ibnu Al Xaarith Al Jurhamii ‫الحارث بن مضاض بن عمرو إبن الحارث‬
22
/‫الجرهمي‬, zamanka Macadd bin Cadnaan/‫معد بن عدنان‬, awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam.
Cadnaanu/‫ عدنان‬waa awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi
Wasallam. Waqtigaasi wuxuu ku beeganyahay qiyaas kun boqol lix iyo toddobaatan sano ka hor
dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo uu Cadnaan\‫ عدنان‬la
dagaallamay Boqorkii Baabil/‫ بابل‬ee dawladda yuhuudda jebiyay, magaciisuna ahaa
Bukhtunassar/‫بختنصر‬, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, noogu sheegay
Aayadda shanaad ee Suuratul Israa'i/‫سورة اإلسراء‬.
Cadnaanu/‫عدنان‬, wuxuu ahaa hoggaamiyaha carbeed ee qolada carbeed ee la yiraahdo Al
Nabdhiyyiina/‫النبطيين‬, ahaana ubadka Naabit/‫ نابت‬oo ay Qurayshi/‫ قريش‬ka farcantay, oo degganaa
Badhraa'/‫ البطراء‬oo ku taalla dalka Urdun/‫األردن‬, oo koofur ka xigta caasimadda Cammaan/‫عمان‬.
Bukhtunassar/‫ بختنصر‬saddex goor ayuu Yuhuudda weeraray (oo kala ah kun boqol lix iyo
toddobaatan, kun boqol sideed iyo lixdan iyo kun boqol sideed iyo konton dhalashada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ka hor), saddexda goorna wuu jebiyay oo ka
adkaaday, oo uu Baytul Maqdis-na/‫ بيت المقدس‬burburiyay oo uu dab qabadsiiyay, yuhuudna uu
addoonnimo dalkiisa dib ugu kaxaystay.
Bukhtunasarse/‫ بختنصر‬wuu ka adkaan waayey Cadnaan/‫ عدنان‬markay dagaal isaga
horyimaadeen. Marka la gaaray zamanka Nizaar/‫نزار‬, oo ah awoowaha sideed iyo tobnaad ee
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna dhalay Macadd/‫معد‬, xilka Kacbadana
uu hayo Al Xaarith bin Mudaad bin Camr bin Al Xaarith Al Jurhamii ‫الحارث بن مضاض بن عمرو بن‬
/‫الحارث الجرهمي‬, ayuu ninkaan iyo qabiilkiisa Jurham/‫ جرهم‬waxay ku xad gudbeen xurmadii
Kacbada/‫ الكعبة‬iyo Xaramka Makkah\‫مكة‬, oo dadka usoo xajjiya oo martida Ilaahay ah iyo kuwa
ganacsiga u yimaadaba ayaa lagu thulmiyaa oo lagu xad gudbaa, caddaaladdiina ay xumaatay,
khayaanana ay bilaabatay.
Markaasuu ceelka Zamzam/‫ زمزم‬guray oo uu biyo gooyey, oo laba waayey.
Markaasuu Nizaar/‫ نزار‬intuu wiilashiisa isugu yeeray ayuu wuxuu kula dardaarmay inay
Jurham/‫ جرهم‬Makkah ka saaraan, xilka maamulka Baytkana ay u dhiibaan wiilkiisa Iyaad/‫إياد‬.
Markuu Nizaar/‫ نزار‬dhintay kaddib, ayay ubadkii Ismaaciil, oo ay ka mid yihiin afarta wiil oo uu
Nizaar dhalay iyo ubadkoodu, iyo qabaa'ilkii kale oo Makkah \‫ مكة‬degganaa isugu tageen Jurham
oo ay xoog Makkah uga saareen. Markay Makkah\‫ مكة‬kasii baxayeen, ayuu ninkii u madaxda
ahaa ee al Xaarith bin Mudaad ibnu al Xaarith al Jurhamii/‫ الحارث بن مضاض إبن الحارث الجرهمي‬ahaa
ayuu wuxuu arkay labao deero oo dahab laga sameeyey iyo diracyo bir ah iyo seefo Kacbada loo
hadiyeeyey oo ku dhex jira god Kacbada dhexdeeda ku yiillay oo lagu ridi jiri maalka Kacbada
loo hadiyeeyo.
Godkaas amaa ceelkaasi wuxuu ka qabanayey midigta qofka Kacbada albaakeeda kasoo gala,
wuxuuna hoos u qodnaa oo dhererkiisu ahaa saddex dhudhun waxaana qoday ayaa la yiri Nabi
Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬.
23
Godkaas magaciisu wuxuu ahaa Al Akhsaf/‫األخسف‬, carabtuna waxay ugu yeeri jirtay Al
Akhshaf/‫األخشف‬. Godkaasu sidiisa ayuu u jiray ilaa laga soo gaaro nin la oran jiray Camr bin
Luxayy/‫عمرو بن لحي‬, oo Shaam/‫ الشام‬ka keenay sanam la yiraahdo Hubal/‫هبل‬, oo intuu godkaas
agtiisa istaajiyay dadka Makkah amray inay caabudaan, qiyaas saddex boqol oo sano ka hor
dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Sanamkaas agtiisana waxaa joogi jiray faaliye haysta toddoba qori oo uu ku faalin jiray. Sidaas
ayay caabudidda asnaamtu Makkah\‫ مكة‬uga bilaabatay, Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu
Caleyhi Wasallam, habeenka la dheelmiyay wuxuu ninkaas kusoo arkay Naarta dhexdeeda
isagoo foorara oo sanka dhulka Naarta loogu jiidayo.
Al Xaarithu\‫ الحارث‬oo labada deero oo dahabka ah iyo hubka ceelka zamzam ku duugay
Markaasuu Al Xaarith bin Mudaad bin Camr bin al Xaarith al Jurhami ‫الحارث بن مضاض بن عمرو بن‬
‫الحارث الجرهمي‬i intuu labadaas deero oo dahabka ka sameysan iyo hubkaas qaaday ayuu wuxuu ku
dhex tuuray ceelka Zamzam/‫زمزم‬, ceelkiina uu ciid ku duugay. Sidaas ayuu ceelka Zamzam u
lumay oo loo iloobay jiritaankiisa, ilaa lagu amray Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin
Cabdu Manaaf/‫عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬, awoowaha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, inuu dib u qodo, bartuu ku yaallana riyo lagu tusay. Jurham arliga Yaman
ayay u qaxday oo ay degtay, markeedii horena isla dalkaas ayayba ka timid.
Riyada Cabdul Mudhalib/‫عبد المطلب‬
Qiyaas kun sano ku dhowaad kaddib markii ceelka Zamzam la duugay, kaddibna la waayey,
ayaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib
‫ عبد المطلب‬oo Xijru Ismaaciil/‫ حجر إسماعيل‬hurda ayuu riyooday.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Calii bin Abii Dhaalib/‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli
ka noqde oo Xadiithkaan noo wariyay uu yiri:
‫ذكر حفر زمزم وما جرى من الخلف فيها‬
‫ كما حدثني يزيد بن أبي حبيب المصري عن مرثد بن‬،‫ "وكان أول ما ابتدىء به عبد المطلب من حفرها‬:‫قال إبن إسحاق‬
‫ أنه سمع علي بن أبي طالب رضي هللا تعالى عنه يحدث حديث زمزم حين‬:‫عبد هللا اليزني عن عبد هللا بن زرير الغافقي‬
:‫ قال‬،‫أمر عبد المطلب بحفرها‬
‫ ثم ذهب‬:‫ "وما طيبة؟" قال‬:‫ قلت‬:‫ قال‬."‫ "احفر طيبة‬:‫ إني نائم في الحجر إذ أتاني آت فقال‬:‫"قال عبد المطلب‬
.)‫ "احفر برة" (بفتح الباء وراء مفتوحة مشددة‬:‫ فجاءني فقال‬،‫ فلما كان الغد رجعت ألى مضجعي فنمت فيه‬.‫عني‬
‫ "احفر‬:‫ فجاءني فقال‬،‫ فنمت فيه‬،‫ فلما كان الغد رجعت إلى مضجعي‬،‫ ثم ذهب عني‬:‫ "وم ا برة؟" قال‬:‫ قلت‬:‫قال‬
‫ ألنها ضن بها على غير‬:‫المضنونة‬:‫المضنونة" (بفتح الميم وضم النون األول وفتح النون الثاني)(قال السهيلي‬
‫ "من‬:‫ وروى الدارقطني ما يقوي ذلك مسندا عن النبي –صلى هللا عليه وسلم‬،‫ فال يتضلع منها منافق‬، ‫المؤمنين‬
‫ اليستطيعون أن يتضلعوا منها" أو كما‬،‫ فإنه فرق ما بيننا وبين المنافقين‬-‫أي شبع وري‬- ‫شرب من زمزم فليتضلع‬
.)‫ احفر المضنونة ضننت بها على الناس إال عليك أو كما قال‬:‫ وروى الزبير أن عبد المطلب قيل له‬، ‫قاله السهيلي‬
:‫ فجاءني فقال‬،‫ فنمت فيه‬،‫ فلما كان الغد رجعت إلى مضجعي‬.‫ ثم ذهب عني‬:‫ "وما المضنون ة؟" قال‬:‫ قلت‬:‫قال‬
‫ "ال تنزف أبدا وال تذم (بضم التاء وفتح الذال وميم مضمومة‬:‫ "وما زمزم؟" قال‬:‫ قلت‬:‫ قال‬."‫"احفر زمزم‬
".‫ عتد قرية النمل‬،‫ عند نقرة الغراب األعصم‬،‫ وهي بين الفرث والدم‬،‫ تسقي الحجيج األعظم‬،)‫ومشددة‬
‫‪24‬‬
‫شرح السهيلي‬
‫قال السهيلي (الروض األنف‪" :)752/1 :‬وكانت وزمزم –كما تقدم‪ -‬سقيا إسماعيل‪ ،‬عليه السالم‪ ،‬فجرها له روح القدس‬
‫بعقبه‪ ،‬وفي تفجيره إياها بالعقب دون أن يفجرها باليد أو غيره‪ :‬إشارة إلى أنها لعقبه وراثة‪ ،‬وهو محمد صلى هللا عليه‬
‫ِ‬
‫ِ ِ ِ ِ َّ‬
‫ون (‪( })32‬الزخرف‪ )72 :‬أي‪ :‬في أمة محمد‬
‫وسلم– وامته‪ ،‬كما قال سبحانه‪َ {:‬و َج َعلَهَا َكل َمةا َباق َيةا في َعقبِه لَ َعلهُ ْم َي ْرِج ُع َ‬
‫صلى اهلل عليه وسلم – ثم إن زمزم لما أحدثت جرهم في الحرم‪ ،‬واستخفوا بالمناسك والحرم‪ ،‬وبغى بعضهم على بعض‬
‫واجترم‪ ،‬تغور ماء زمزم واكتتم‪ ،‬فلما أخرج اهلل جرهم من مكة باألسباب التي تقدم ذكرها عمد الحارث بن مضاض األصغر‬
‫إلى ما كان عنده من مال الكعبة‪ ،‬وفيه غزالتان من ذهب وأسياف قلعية (نسبة لقلعة بالهند‪ :‬مجدي منصور بن سيد‬
‫الشورى‪ ،‬محقق الروض) كان ساسان ملك الفرس قد اهداها إلى الكعبة‪ ،‬وقيل سابور‪ ،‬وقد قدمنا أن األوائل من ملوك‬
‫الفرس كانت تحجها إلى عهد ساسان‪ ،‬أو سابور‪ ،‬فلما علم ابن مضاض أنه مخرج منها‪ ،‬جاء تحت جنح الليل حتى دفن‬
‫ذلك في زمزم‪ ،‬وعفى عليها‪ ،‬ولم تزل دارسة عافيا أثرها‪ ،‬حتى آن مولد المبارك الذي كان يستسقى بوجهه غيث السماء‬
‫وتتفجر من بنانه ينابيع الماء‪ ،‬صاحب الكوثر والحوض الرواء‪ ،‬فلما آن ظهوره أذن اهلل تعالى لسقيا أبيه أن تظهر‪ ،‬ولما‬
‫اندفن من مائها أن تجتهر (أي‪ :‬تنزح وتنقى‪ :‬المحقق)‪ ،‬فكان –صلى اهلل عليه وسلم_ قد سقت الناس بركته قبل أن يولد‬
‫وسقوا بدعوته‪ ،‬وهو طفل حين أجدبت البلد‪ ،‬وذلك حين خرج به جده مستسقيا لقريش‪ ،‬وسيأتي بيان ذلك –فيما بعد إن شاء‬
‫اهلل‪ -‬وسقيت الخليقة كلها غيوث السماء في حياته الفينة بعد الفينة‪ ،‬والمرة بعد المرة‪ ،‬وتارة بدعائه‪ ،‬وتارة من بنانه‪ ،‬وتارة‬
‫بإلقاء سهمه‪ ،‬ثم بعد موته –عليه السالم‪ -‬استشفع عمر بعمه –رضي اهلل عنهما‪ -‬عام الرمادة‪.‬‬
‫وأقسم عليه به وبنبيه ‪ ،‬فلم يبرح‪ ،‬حتى قلصوا لمازر‪ ،‬واعتلقوا الحذاء‪ ،‬وخاضوا الغدران‪ ،‬وسمعت الرفاق المقبلة إلى المدينة‬
‫في ذلك اليوم صائحا يصيح في السحاب‪" :‬أتاك الغوث أبا حفص‪ ،‬أتاك الغوث أبا حفص"‪ ،‬كل هذا ببركة المبتعث بالرحمتين‪،‬‬
‫والداعي إلى الحياتين الموعود بهما على يديه في الدارين –صلى اهلل عليه وسلم‪ -‬صالة تصعد وال تنفد‪ ،‬وتتصل وال‬
‫تنفصل‪ ،‬والتريم (تنقص‪ :‬المحقق)‪ ،‬إنه منعم كريم‪.‬‬
‫العالمات التي رآها عبد المطلب وتأويلها‬
‫ودل عليها بعالمات ثالث‪ :‬بنقرة الغراب األعصم (األعصم‪ :‬الذي في جناحيه بياض‪ :‬المحقق)‪ ،‬وأنها بين الفرث (الفرث ما في‬
‫الكرش‪ :‬ال محقق) والدم‪ ،‬وعند قرية النمل‪ ،‬ويروى أنه لما قام ليحفرها رأى ما رسم من قرية النمل ونقرة الغراب‪ ،‬ولم ير‬
‫الفرث والدم‪ ،‬فبينما هو كذلك ندت بقرة بجازرها‪ ،‬فلم يدركها؛ حتى دخلت المسجد الحرام‪ ،‬فنحرها في الموضع الذي رسم‬
‫لعبد المطاب‪ ،‬فسال هناك الفرث والدم‪ ،‬فحفر عبد المطاب حيث رسم له‪.‬‬
‫ولم تخص هذه العالمات الثالث بأن تكون دليال عليها إال بحكمة إالهية‪ ،‬وفائدة مشاكلة في علم التعبير‪ ،‬والتوسم الصادق‬
‫لمعنى زمزم ومائها‪ .‬أما الفرث والدم‪ ،‬فإن ماءها طعام طعم‪ ،‬وشفاء سقم‪ ،‬وهي لما شربت له‪ ،‬وقد تقوت من مائها أبو ذر –‬
‫رضي هللا عنه‪ -‬ثالثين بين يوم وليلة‪ ،‬فسمن حتى تكسرت عكنه (الطي الذي في البطن من السمن‪ :‬المحقق)‪[ ،‬وما وجد على‬
‫كبده سخفة جوع] (سخفة‪ :‬الهزال‪ :‬المحقق) فهي إذا كما قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم في اللبن‪" :‬إذا شرب أحدكم‬
‫اللبن‪ ،‬فليقل‪ ::‬اللهم بارك لنا فيه وزدنا منه"‪ ،‬فإنه ليس شيء يسد مسد الطعام إال اللبن (حسن‪ :‬أخرجه ابو داود‪:‬‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫ٍ ٍ‬
‫صا َسائِ اغا لِ َّ‬
‫ين (‪( })66‬النحل‪ )66:‬فظهرت‬
‫لش ِاربِ َ‬
‫المحقق))‪ ،‬وقد قال هللا تعالى في اللبن‪ { :‬م ْن َب ْي ِن فَ ْرث َوَدم لََبانا َخال ا‬
‫هذه السقيا المباركة بين الفرث والدم‪ ،‬وكانت تلك من دلئلها المشاكلة لمعناها‪" .‬إنتهى كالم السهيلي‪.‬‬
‫‪25‬‬
‫قال إبن إسحاق‪ :‬فلما بين له شأنها‪ ،‬ودل على موضعها‪ ،‬وعرف أنه قد صدق‪ ،‬غدا بمعوله ومعه ابنه الحارث بن عبد‬
‫المطلب‪ ،‬ليس له يومئذ ولد غيره فحفر فيها‪ .‬فلما بدا لعبد المطلب الطي‪ ،‬كبر‪ ،‬فعرفت قريش أنه قد أدرك حاجته‪ ،‬فقاموا‬
‫إليه‪ ،‬فقالوا‪" :‬يا عبد المطلب‪ ،‬إنها بئر أبلنا إسماعيل‪ ،‬وإن لنا فيها حقا فأشركنا معك فيها"‪ .‬قال‪" :‬ما أنا بفاعل‪ ،‬إن‬
‫هذا األمرقد خصصت به دونكم‪ ،‬وأعطيته من بينكم"‪ ،‬فقالوا له‪" :‬فأنصفنا‪ ،‬فإنا غير تاركيك حتر نخاصمك فيها"‪،‬‬
‫قال‪" :‬فاجعلو بيني وبينكم من شئتم أحاكمكم إليه"‪ ،‬قالوا‪" :‬كاهنة بني سعد هذيم"‪ ،‬قال‪" :‬نعم"‪ ،‬قال‪ :‬وكانت‬
‫بأشراف الشام‪ ،‬فركب عبد المطلب ومعه نفر من بني أبيه من بني عبد مناف‪ ،‬وركب من كل قبيلة من قريش نفر‪ .‬قال‪:‬‬
‫واألرض إذ ذاك مفاوز (أي‪ :‬صحراء)‪ .‬قال‪ :‬فخرجوا حتى إذا كانوا ببعذ تلك المفاوز بين الحجاز والشام‪ ،‬فني ماء عبد‬
‫المطلب وأصحابه‪ ،‬فظمئوا حتى أيقنوا بالهلكة‪ ،‬فاستسقوا من معهم من قبائل قريش‪ ،‬فأبوا عليهم‪ ،‬وقالوا‪" :‬إنا بمفازة‪،‬‬
‫ونحن نخشى على أنفسنا مثل ما أصابكم"‪ ،‬فلما رأى عبد المطلب ما صنع القوم‪ ،‬وما يتخوف على نفسه وأصحابه‪ ،‬قال‪:‬‬
‫"ماذا ترون؟" قالوا‪" :‬ما رأينا إال تبعا لرأيك‪ ،‬فمرنا بما شئت"‪ ،‬قال‪" :‬فإني أرى أن يحفر كل رجل منكم حفرته‬
‫لنفسه بما بكم اآلن من القوة – فكلما مات رجل دفعه أصحابه في حفرته ثم واراه – حتى يكون آخركم رجال‬
‫واحدا‪ ،‬فضيعة رجل أيسر من ضيعة ركب جميعا"‪ ،‬قالوا‪" :‬نعم ما أمرت به"‪ .‬فقام كل واحد منهم فحفر حفرته‪ ،‬ثم‬
‫قعدوا ينتظرون الموت عطشا‪ ،‬ثم إن عبد المطلب قال ألصحابه‪" :‬وهللا إن إلقاءنا بأيدينا هكذا للموت‪ ،‬ال نضرب في‬
‫األرض‪ ،‬وال نبتغي ألنفسنا‪ ،‬لعجز‪ ،‬فعسى هللا أن يرزقنا ماء ببعض البالد‪ ،‬ارتحلوا"‪ ،‬فارتحلوا حتى إذا فرغوا‪،‬‬
‫ومن معهم من قبائل قريش ينظرون إليهم ما هم فاعلون‪ ،‬تقدم عبد المطلب إلى راحلته فركبها‪ .‬فلما انبعثت به‪ ،‬انفجرت من‬
‫تحتها خفها عين ماء عذب‪ ،‬فكبر عبد المطلب‪ ،‬وكبر أصحابه‪ ،‬ثم نزل فشرب‪ ،‬وشرب أصحابه‪ ،‬واستقوا حتى ملؤوا أسقيتهم‪،‬‬
‫ثم دعا القبائل من قريش‪ ،‬فقال‪" :‬هلم إلى الماء‪ ،‬فقد سقانا هللا‪ ،‬فاشربوا واستقوا"‪ ،‬فجاءوا‪ ،‬فشربوا واستقوا‪ .‬ثم‬
‫قالوا‪" :‬قد‪ -‬وهللا – قضي لك علينا يا عبد المطلب‪ ،‬وهللا النخاصمك في زمزم أبدا‪ ،‬إن الذي سقاك هذا الماء بهذه الفالة لهو‬
‫الذي سقاك زمزم‪ ،‬فارجع إلى سقايتك راشدا‪ ".‬فرجع ورجعوا معه‪ ،‬ولم يصلوا إلى الكاهنة وخلوا بينه وبينها‪".‬‬
‫قال ابن إسحاق‪ :‬فهذا الذي بلغني من حديث علي بن ابي طالب رضي هللا عنه في زمزم‪ ،‬وقد سمعت من يحدث عن عبد‬
‫المطلب أنه قيل له حين أمر بحفر زمزم‪:‬‬
‫يسقي حجيج هللا في كل مبر‬
‫ثم ادع بالماء الروي غير الكدر‬
‫ليس يخاف منه شيء ما عمر‬
‫فخرج عبد المطلب حين قيل له ذلك إلى قريش فقال‪" :‬تعلموا أني قد أمرت أن أحفر لكم زمزم"‪ ،‬فقالوا‪" :‬فهل بين‬
‫لك أين هي؟ قال‪" :‬ال"‪ .‬قالوا‪" :‬فارجع إلى مضجعك الذي رأيت فيه ما رأيت‪ ،‬فإن يك حقا من هللا يبين لك‪ ،‬وإن يك من‬
‫الشيطان فلن يعود إليك"‪ .‬فرجع عبد المطلب إلى مضجعه‪ ،‬فنام فيه‪ ،‬فأتي فقيل له‪" :‬احفر زمزم‪ ،‬إنك إن حفرتها لم تندم‪،‬‬
‫وهي تراث من أبيك األعظم‪ ،‬التنزف أبدا والتذم‪ ،‬تسقي الحجيج األعظم‪ ،‬مثل نعام جافل لم يقسم‪ ،‬ينذر فيها ناذر لمنعم‪ ،‬تكون‬
‫ميراثا وعقدا محكم‪ ،‬ليست كبعض ما قد تعلم‪ ،‬وهي بين الفرث والدم‪".‬‬
‫قال ابن إسحاق‪ :‬فزعموا أنه حين قيل له ذلك‪ ،‬قال‪" :‬وأين هي؟" قيل له‪" :‬عند قرية النمل‪ ،‬حيث ينقر الغراب غدا‪ ".‬وهللا‬
‫أعلم أي ذلك كان‪.‬‬
‫فغدا عبد المطلب ومعه ابنه الحارث‪ ،‬وليس له يومئذ ولد غيره‪ ،‬فوجد قرية النمل‪ ،‬ووجد الغراب ينقر عندها‪ .‬بين الوثنين‪:‬‬
‫إساف ونائلة‪ ،‬اللذين كانت قريش تنحر عندهما ذبائحها‪ .‬فجاء بالمعول وقام ليحفر حيث أمر‪ ،‬فقامت إليه قريش حين رأوا‬
‫جده‪ ،‬فقالوا‪" :‬وهللا النتركك تحفر بين وثنينا هذين اللذين ننحر عندهما"‪ ،‬فقال عبد المطلب إلبنه الحارث‪" :‬ذد عني حتى‬
‫أحفر‪ ،‬فوهللا ألمضين لما أمرت به‪ ".‬فلما عرفوا أنه نازع خلوا بينه وبين الحفر‪ ،‬وكفوا عنه‪ ،‬فلم يحفر إال يسيرا‪ ،‬حتى‬
‫بدا له الطي‪ ،‬فكبر وعرف أنه قد صدق فلما تمادى به الحفر وجد فيهاغزالين من ذهب‪ ،‬وهما الغزاالن اللذان دفنت جرهم فيها‬
‫حين خرجت من مكة‪ ،‬ووجد فيها أسيافا قلعية وادراعا فقالت له قريش‪" :‬يا عبد المطلب‪ ،‬لنا معك في هذا شرك وحق"‪ ،‬قال‪:‬‬
‫"ال‪ ،‬ولكن هلم على أمر نصف بيني وبينكم‪ ،‬نضرب عليها بالقداح"‪ ،‬قالوا‪" :‬وكيف تصنع؟" قال‪" :‬أجعل‬
‫للكعبة قدحين‪ ،‬ولي قدحين‪ ،‬ولكم قدحين‪ ،‬فمن خرج له قدحاه على شيء‪ ،‬كان له‪ ،‬ومن تخلف قدحاه فال‬
‫شيء له"‪ ،‬قالوا‪" :‬انصفت"‪ ،‬فجعل قدحين أصفرين للكعبة‪ ،‬وقدحين أسودين لعبد المطلب‪ ،‬وقدحين أبيضين لقريش‪ ،‬ثم‬
‫أعطوا صاحب القداح الذي يضرب بها عند هبل –وهبل‪ :‬صنم في جوف الكعبة‪ ،‬وهو أعظم أصنامهم‪ ،‬وهم الذي يعني أبو‬
‫‪26‬‬
‫سفيان بن حرب يم أحد حين قال‪" :‬أعل هبل" أي‪ :‬أظهر دينك – وقام عبد المطلب يدعو هللا عز وجل‪ ،‬فضرب صاحب‬
‫القداح‪ ،‬فخرج األصفران على الغزالتين للكعبة‪ ،‬وخرج األسودان على األسياف‪ ،‬واألدراع لعبد المطلب‪ ،‬وتخلف قدحا قريش‪.‬‬
‫فضرب عبد المطلب األسياف بابا للكعبة‪ ،‬وضرب في الباب الغزالين من ذهب‪ ،‬فكان أول ذهب حليته الكعبة –فيما يزعمون –‬
‫ثم إن عبد المطلب أقام سقاية زمزم للحجاج‪".‬إنتهى كالم إبن إسحاق‪.‬‬
‫قال السهيلي‪" :‬واتخذ عبد المطلب حوضا لزمزم يسقى منه‪ ،‬فكان يخرب يه بالليل حسدا له‪ ،‬فلما غمه ذلك قيل له في‬
‫النوم‪" :‬قل ال أحلها لمغتسل‪ ،‬وهي للشارب حل وبل وقد كفيتم"‪ ،‬فلما أصبح قال ذلك‪ ،‬فكان بعد من أرادها بمكروه‬
‫رمي بداء في جسده‪ ،‬حتى انتهوا عنه‪ .‬ذكره الزهري في سيرة‪.‬إنتهى كالم السهيلي‪.‬‬
‫الشيخ عبد الحميد جودة السحار‪ :‬زمزم‬
‫قال الشيخ عبد الحميد جودة السحار المصري رحمه هللا في سيرته "محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم والذين معه"‬
‫(‪" :) 111/7‬وأوحى هللا إليه أن خذ هاجر وأسماعيل واخرج إلى حيث أريك‪ ،‬فحمل هاجر وإسماعيل وهو رضيع وانطلق إلى‬
‫الجنوب‪ ،‬إلى األرض التي أراد هللا أن يبارك فيها للعالمين‪.‬‬
‫ونزل خليل هللا وهاجر وإسماعيل بواد غير ذي زرع يطل عليه جبل قبيس‪ ،‬ال ماء وال شجر وال دوحة وال ظل والأنفاس‬
‫حياة‪ ،‬لم يكن بالوادي أحد إال هللا والذين أمر بخروجهم ليعلى كلمته ويتم نوره‪.‬‬
‫ونظر إبراهيم فإذا بربوة؛ إنها بيت هللا المحرم قد أتى عليه الطوفان‪ .‬فأنزل هاجر وإسماعيل فوق الربوة وراح يصنع لهما‬
‫سكنا‪ .‬ومكث إبراهيم معهما ما شاء هللا له ثم وضع عندهما جرابا فيه تمر وسقاة فيها ماء وذهب منطلقا‪ ،‬فتبعته هاجر‬
‫وقالت‪" :‬يا إبراهيم أين تذهب وتتركنا في هذا الوادي الذي ليس فيه أنيس وال شيء؟"‬
‫وسار إبراهيم ال يلتفت إليها‪ ،‬إنه يوسع من خطوه فقلبه يكاد ينفطر‪ .‬إن هللا وهب له إسماعيل على الكبر‪ ،‬وها هو ذا هللا‬
‫يأمره أن يتركه في هذا الواد الفالة التي ال يطير في سمائها طير وال يدب على أرضها إنس وال حيوان‪ ،‬وال ينبت فيها زرع‬
‫وال يحلب فيها ضرع‪ .‬إن هللا قد ابتاله فصبر على ما أصابه إن ذلك من عزم األمور‪.‬‬
‫وراحت هاجر تهرول خلفه وتقول‪" :‬يا إبراهيم أين تذهب وتتركنا في هذا الواد الذي ليس فيه أنيس وال شيء؟"‬
‫ولم يحر إبراهيم جوابا فهو ذاهب إلى هللا وإنه يتركها هلل لتتحقق مشيئته‪ ،‬إن هللا فعال لما يريد‪.‬‬
‫وانطلق إبراهيم ال يلوي على شيء‪ .‬كان قابه يفيض بالرحمة وهاجر تحرك شجونه وهي تهرول في أثره وتقول له‪:‬‬
‫"يا إبراهيم أين تذهب وتتركنا في هذا الواد الذي ليس فيه أنيس وال شيء؟"‬
‫أنيس؟! أليس هللا أنيسك يا هاجر؟ ألم يمأل عليك خيمتك أنسا؟ ألم يمأل بصيرتك نورا والكون غارق في الظالم؟ أيكون بال‬
‫أنيس من كان هللا أنيسه؟ أيشكو الوحدة من كان هللا معه؟ ما هذا الفزع يا هاجر؟ أال يطمئن قلبك بذكر هللا؟ إن كان هذا الوادي‬
‫ليس فيه شيء فإن هللا قادر على أن يفتح عليكم بركات من السماء واألرض‪.‬‬
‫وجعل إبراهيم ال يلتفت إليها حتى إذا ما عاد نور هللا إلى فؤادها قالت‪:‬‬
‫"آهلل أمرك بهذا؟"‬
‫قال‪:‬‬
‫"نعم!"‬
‫فاطمأن قلب هاجر‪ ،‬إن كان هللا قد أمره بأن يحملهما هي وابنها إلى هذا الودي فإن هللا يريد أن يتم نعمته عليها وعلى ابنها‪،‬‬
‫فقالت في ثقة‪:‬‬
‫"فإذا ال يضيعنا!"‬
‫وذهب عنها الروع وعادت إلى العريش مرفوعة الرأس لم تذرف دمعة ولم ترتعد فرائصها من الخوف‪ ،‬كانت الجبال من‬
‫حولها شامخة هائلة تبعث الوحشة في النفوس إال أن هاجر نزل بقلبها أمن وسالم‪.‬‬
‫وانطلق إبراهيم حتى إذا كان هند الثتية حيث اليريانه استقبل بمجهه البيت ورفع يديه وقال‪:‬‬
‫"ربنا إني أسكنت من ذريتي بواد غير زرع عند بيتك المحرم‪ ،‬ربنا ليقيموا الصالة فاجعل أفئدة من الناس‬
‫تهوي إليهم وارزقهم من الثمرات لعلهم يشكرون‪".‬‬
‫وجلست هاجر ترضع ابنها وتمد عينيها إلى ما حولها؛ كانت الجبال تطل عليها من كل مكان‪ ،‬جبل‬
‫قبيس‪..‬الصفا‪..‬المروة‪..‬السماء فوقها‪..‬واألرض حولها ماجت ببحار من الرمال‪.‬‬
‫‪27‬‬
‫وخيم على المكان سكون عميق وانثالت على ذهنها الذكريات‪ ،‬إنها كانت في قصرها في منف(ألنها كانت أميرة مملكة منف‬
‫في مصر‪ ،‬خطبها إبن عمها أمير منف ثم جري حرب بين مملكة منف وومملكة فرعون فهزم فرعون منف وأسرت سارمن‬
‫قبل جنود فرعون قبل زفافها إلبن عمها أمير منف وهي يومئذ نحو خمسة عشر سنة من العمر) ومن حولها الوصيفات‬
‫والخدم ودنيا صاخبة إال أنها كانت دنيا بال روح‪ ،‬دنيا بال أمل‪ ،‬اليمأل فراغها إال الطعام والشراب وأناشيد المغنين وترتيالت‬
‫الكهان‪ ،‬أما هنا وهي وحيدة بال خدم وال وصيفات‪ ،‬وال أنيس وال جليس‪ ،‬والأغاني والترتيالت‪ ،‬فهي تحس تعاطفا مع الكون‪،‬‬
‫يمأل هللا حياتها أنسا ويجيش صدرها بآمال عريضة مشرقة‪ ،‬فقد وعدها هللا أن يجعل إسماعيل أمة عظيمة وأن يولد له اثنا‬
‫عشر رجال‪.‬‬
‫أن هللا كان قد جاء بها من قصور مصر إلى هذا الوادي المقدس فإنه أراد أن يشرفها‪ ،‬وأن يحقق ما وعدها به‪ ،‬أن يكون ما‬
‫شاء‪،‬إن هللا فعال لما يريد‪.‬‬
‫وإن كانت نشأت في القصور فما ذلك إال لتتعلم كيف تربي ابنها الذي اصطفاه هللا ليكون أبا ألمة عظيمة‪ ،‬وإن كانت وقعت في‬
‫األسر وتحملت الشدائد فما ذلك إال لتعلم إبنها كيف يصبر على الشدائد‪ .‬إن هللا قد كيف حياتها لتنهض بعبء عظيم‪ ،‬عبء‬
‫تنشئة إسماعيل‪.‬‬
‫وراحت هاجر تأكل من جراب التمر وتشرب من الماء‪ ،‬حتى إذا نفد ما في السقاء عطشت وعطش ابنها وراح يتلبط‪.‬‬
‫ونظرت إليه وهو يتلوي من العطش فأحست نياط قلبها تتمزق وكاد عقلها يطيش‪ ،‬إنها ال تستطيع أن تنظر إلى حبيبها وهو‬
‫يبكي من األلم‪،‬إن كبدها تكاد أن تنفطر‪.‬‬
‫وجعلت تتلفت فوجدت الصفا أقرب جبل إليها فهرعت إليه وقامت عليه‪ ،‬ثم استقبلت الوادي تنظر هل ترى أحدا؟ فلم تر أحدا‬
‫فهبطت من الصفا حتى إذ بلغت الوادي رفعت طرف درعها ثم سعت سعي اإلنسان المجهود حتى جاوزت الوادي‪ ،‬ثم أتت‬
‫المروة فقامت عليها فنظرت هل ترى أحدأ؟‬
‫وراحت تسعى بين الصفا والمروة سبع مرات تتلهف على رؤية أحد ينقذ ابنها من الموت عطشا‪ ،‬وما دار بخلدها في تلك‬
‫اللحظة التي استول عليها فيها الجزع أن ماليين المؤمنين على مر السنين سيسعون بين الصفا والمروة سبعة أشواط‪ ،‬تخليدا‬
‫الذكرى ما كان في ذلك السعي من بركة‪،‬‬
‫ولما أشرفت على المروة سمعت صوتا فقالت‪:‬‬
‫صه!‬
‫تريد نفسها‪ ،‬ثم أصاخت السمع فسمعت الصوت أيضا‪ ،‬فانطلقت إلى حيث كان ابنها فإذا بالماء قد ظهر عند قدميه‪ ،‬فجعلت‬
‫تخوضه في فرح وتغرف الماء في سقاتها‪،‬‬
‫وشربت وأرضعت ولدها وإذا بالملك عند زمزم فقال لها‪:‬‬
‫ال تخافي الضيعة فإن هذا بيت هللا الحرام‪ ،‬يبنيه هذا الغالم وأبوه وإن هللا ال يضيع أهله‪.‬‬
‫وتهللت هاجر بفرح فياض فقد حملها هللا إلى بيته الحرام‪ ،‬إلى بيته المبارك الذي سيبنيه ابنها وخليل الرحمن‪ ،‬إنها تعيش في‬
‫البقعة الطاهرة‪ ،‬في األرض التي بارك هللا فيها للعالمين‪.‬‬
‫ونزلت رفقة من جرهم في طريق أسفل مكة‪ ،‬ورأو طائرا يحوم في الجو فقالوا‪:‬‬
‫إن هذا الطير ليدور على ماء‪ ،‬لعهدنا بهذا الوادي وما فيه ماء‪ .‬وأرسلوا من يرى الخبر‪.‬‬
‫وأقبل غالمان من العماليق يريدان بعيرا لهما قد أخطآه وقد عطشا‪ ،‬وكان أهلهما بعرفة فنظرا بطير يهوي قبل الوادي فا‬
‫ستنكرا ذلك وقاال‪:‬‬
‫أنى يكون هذا الطير على غير ماء؟‬
‫كما ترى‪ .‬هذا الطير يذهب إلى غير ماء‪.‬‬
‫قال اآلخر‪:‬‬
‫فأهمل‪.‬‬
‫ونظر فإذا الطير يرد ويصدر؛ إنه يرد الماء ويصدر عنه‪ ،‬فاتبعا الواردة منها حتى وقفا على أبي قبيس فنظرا الى الماء وإلى‬
‫العريش فإذا بهاجر عند الماء‪.‬‬
‫وجاء رسول جرهم إلى هاجر وقال لها‪:‬‬
‫أتأذنين لنا أن ننزل عندكم؟‬
‫فقالت في ترحيب وحزم‪:‬‬
‫نعم ولكن ال حق لكم في الماء‪.‬‬
28
.‫نعم‬
:‫وهبط الغالمان من فوق جبل قبيس إلى الوادي وانطلقا إلى هاجر وقاال‬
‫لمن هذا الماء؟‬
:‫قالت‬
.‫لي والبني‬
:‫فقاال في دهش فعهدهما بالوادي قريب وليس به ماء‬
‫ومن حفره؟‬
:‫قالت‬
.‫سقيا هلل‬
:‫ بيد أنهما أحسا إحساسا جليال مأل قلبيهما خشية وقاال‬،‫هللا؟ ونظر أحدها إلى اآلخر فما كانا يعرفان هللا‬
‫أتأذنين لنا أن ننزل عندكم؟‬
.‫نعم ولكن ال حق لكم في الماء‬
‫ وجاء العماليق برجالهم ونسائهم وأطفالهم وإبلهم‬،‫وجاءت جرهم برجالها ونسائها وأطفالها وإبلها وبعيرها وغنمها‬
‫ وإذا بالوادي الذي ليس فيه زرع وال ضرع وال أنيس وال شيء ينبض بالحياة قد فتح هللا عليه بركات من السماء‬،‫وغنمهم‬
.‫واألرض‬
.‫ إنتهى كالم السحار رحمه هللا‬.‫ إن ربي رحيم ودود‬:‫وخرت هاجر ساجدة هلل وكل خلجة من خلجاتها تحمده وتسبح له‬
‫ ماء زمزم من هاجر باللحم واللبن من‬: ‫ والعماليق‬،‫ حين تبا دل هاجر وجرهم‬،‫ بدأت التجارة في مكة المكرمة‬،‫ يومئذ‬،‫هناك‬
.‫ والحمد هلل رب العالمين‬،‫ وأسلمت جرهم والعماليق بدعوة هاجر وبين يديها‬.‫جرهم والعماليق‬
Oo macnihiisu yahay:
"Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬oo laftiisu arrinkaas ka warramaya wuxuu yiri:
"Anigoo Xijriga hurda ayaa la ii yimid oo la igu yiri
"Dhiibata/‫ طيبة‬qod."
Wuxuu yiri: waxaan iri: "Dhiibana/‫ طيبة‬waa maxay?"
Markaasu iga tegey.
Maalintii middaas ku xigtay ayaan isla meeshii hadana seexday.
Markaasuu hadana ii yimid, wuxuuna yiri:
"Barrata/‫ برة‬qod."
Wuxuu yiri: waxaan iri:
"Barratana/‫ برة‬maxay tahay?"
Markaasuu iga tegey.
Maalintii middaas ku xigtay ayaan hadana isla meeshii kusoo noqda oo aan seexday. Markaasuu
ii yimid, wuxuuna yiri:
"Al Madnuunata/‫ المضنونة‬qod."
Wuxuu yiri: waxaan iri:
"Al Madnuunatana/‫ المضنونة‬maxay tahay?"
Markaasuu iga tegey.
Markaasaan maalintii ku xigtay (oo ah maalintii afaraad) ayaan isla meeshii ku noqday oo aan
seexday. Markaasuu ii yimid, uuna yiri:
"Zamzam/‫ زمزم‬qod."
Wuxuu yiri: waxaan iri: "Zamzam/‫ زمزم‬waa maxay?"
Wuxuu yiri: "Waligiis guri mayo, xujayda badan ayuu waraabinayaa, wuxuuna ku yaalla uuska
iyo dhiigga dhexdooda godka uu tukaha jeeniga cadi dhulka ka qodayo agtiisa iyo tuulada
quraanyada agteeda".
29
Ceelka Zamzam/‫ زمزم‬waxaa Dhiibata/‫ طيبة‬loogu bixiyay, oo Dhiibata/‫ طيبة‬macneheedu waxaa
weeye midda dhayyibka ah oo fiican, ayadoo biyaha ceelkaas la siiyay oo ay ka cabbayaan kuwa
ragga ah ee fiicfiican iyo gabdhaha fiicfiican oo ka mid ah ubadka Ibraahiim, Calayhissalaamu.
Waxaana Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬loogu yiri Barrata/‫ برة‬qod, oo ah magac kale oo
ceelka Zamzam/‫زمزم‬, ayadoo ay biyahaasi usoo burqanayaan oo ay usoo dureerayaan kuwa
baarriyiinta ah, biyahaasna ay ka libreen oo ay waayeenoo dhulka uga qarsoomeen kuwa
faajiriinta ah oo xun.
Waxaa kaloo Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬loogu yiri al Madnuunata/‫( المضنونة‬oo ah daadka
dhibicda kor ku leh), ayadoo biyahaas laga reebay ama in yar laga siiyay intaan mu'miniinta
ahayn, oo danna/‫ ضن‬waxaa weeye waa laga ceshaday ama si yar oo an qalbi furnaan lahayn ayaa
loo siiyay, oo qof aan mu'min ahayn biyaha Zamzam/‫ زمزم‬kama cabbi karo ilaa uu calooshiisa ka
buuxsado oo ay biyuhu ilaa feeraha buuxiyaan, sida markay mu'miniintu ka cabto ay yeesho oo
kale.
Saddexdaas calamadood oo Cabdul Mudhalib/‫ عبد المطلب‬loo tilmaamay waxay kala ahaayeen:
(1) godka uu dhulka ka qodo tukaha madow oo addinkiisa ama baalkiisu caddaan leeyahay
agtiisa,
(2) uuska iyo dhiigga inta u dhexeysah iyo
(3) degmada quraanyada agteeda.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri xikmada uuska iyo dhiigga dhexdooda biyaha Zamzam/‫ زمزم‬loogu
tilmaamay waxaa weeye inay biyahaasi cunno uu ka dhergo u yihiin qofka gaajoon, harradtirna u
yihiin qofka ooman, daawana u yihiin qofka buka, lana helo waxa loo cabbo.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu hurdada kasoo kacay hareerihiisa ayuu dhugtay,
wuxuuna arkay tuke jeeni cad oo Kacbada agteeda dhulka god ka qodaya, agtiisana ay
deggantahay quraanyo, wuxuuse waayey uuskii iyo dhiigii. Ayadoo ay xaaladdiisu sidaas tahay
ayaa sac Masjidka soo galay uu eryoonayo ninkii gawrici lahaa, markaasu Masjidka dhexdiisa ku
qabtay oo uu labadaas sanam dhexdooda ku gawracay, halkaasoo uu uuskiisii iyo dhiiggisuba ku
shubmeen, taasoo ah tilmaanta Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬riyada lagu siiyay.
Waagaas Masjidku darbi iyo irdo midna ma lahayn, oo waxaa darbi u ahaa darbiyada guryaha ku
hareereysan, dugaagad oo kale, irdana waxaa u ahaa marriimmada u dhexeeyey guryahaas
laftooda.
Darbigii ugu horreeye waxaa Al Masjidu Al Xaraamu/‫ المسجد الحرام‬ee Makkah u sameeyey
Amiirul Mu'miniin Cumar bin Al Khadh-dhaab/‫أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬, Allaha Deeqsiga
ahi raalli ha noqdee.
Markaasuu ninki wuxuu sacii ku bireeyey meesha u dhexeysa labda sanam oo la kala oran jiray
Isaaf/‫ إساف‬iyo Naailah/‫نائلة‬, oo ay gaalada Quraysheed agtoodooda asnaamtooda ay qurbaannada
ugu birayn jireen.
30
Isaaf/‫ إساف‬iyo Naailah/‫ نائلة‬waxay lahaayeen qisadaan: Isaaf/‫ إساف‬wuxuu ahaa wiil, magaciisu
yahay Asaaf bin Bughaa'/‫إساف بن بغاء‬, Naailah-na/‫ نائلة‬gabar magaceedu yahay Naailah bintu
Thi'ib‫( نائلة بنت ذئب‬magaca aabeheed macnihiisu waa dhurwaa), waxayna u dhasheen qabiilka
Jurham/‫جرهم‬, oo xurmada Kacbada iyo Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬ku xadgudbay, sidaan hor ugu
soo sheegnay. Markaasuu Isaaf/‫ إساف‬gabadha Naailah/‫ نائلة‬ah Kacbada dhexdeeda kula gogol
galay, riwaayad kalena ay leedahay kulama uusan gogol geline Kacbada dhexdeeda ayuuse ku
dhunkaday. Markaasaa labadoodiiba waxaa laga dhigay dhagax, oo ay sidaas ku noqdeen laba
sanam oo dhagax ah.
Markaasaa Kacbada dhexdeeda laga soo saaray, oo midkoodna buurta Jabalu Al Saffaa/‫جبل الصفا‬
la dul saaray, midka kalena buurta Al Marwata/‫المروة‬. si uu dadka ugu cibrad qaato , oo ay ka
fogaadaan waxay labadaas ku keceen.
Sidaas ayay labadaas buurood u dul saarnaayeen, ilaa uu xilka maamulka Kacbadu ka galay
gacanta Qusayyi bin Kilaab/‫قصي بن كالب‬, oo ah awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Caleyhi Wasallam. Markaasuu labadaas buurood kasoo dul qaaday oo Kacbada agteeda
keenay, oo midkoodna Kacbada darbigeeda ku dhejiyay, kan kalena barta ceelka Zamzam
dhigay.
Labadaas sanam agtooda ayay gaalagu qurbaankooda ku qali jireen. Labadaas sanamna waxaa
dumiyay oo burburiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Makkah
\‫ مكة‬furtay, sanadka sideedaad ee Hijrada. Qisada labadaas sanamna waxaan kasoo guurinnay
kitaabka Akhbaaru Makkah wa maa jaa'a fiihaa minal Aathaari‫أخبار مكة وما فيها من األثار‬, uuna
dhigay Abii Al Waliid Muxamad bin Cabdu Allaahi bin Axmad Al Azraqii ‫إبي الوليد محمد بن عبد هللا‬
‫ بن أحمد األزرقي‬oo dhintay sanadka laba boqol saddex iyo labaatan Hijrada, Juzka koowaad, bogga
boqol sagaal iyo toban. Kutubbo badanna qisadaas way wariyeen.
Markaasaa Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬waxaa u sugnaatay inay riyadaasi xaq tahay,
ayadoo bartuu qodi lahaana la tusiyay. Subixii dambe ayuu Cabdul Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬
wuxuu soo qaatay godintiisa, isagoo uu la socdo wiilkiisa Al Xaarithu/‫الحارث‬, oo uu markaas
wiilalba keligiis ka lahaa.
Markaasuu barti qoday. Markuu cellka afkiisu u muuqday, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
‫ المطلب‬Allaahu Akbar/‫ هللا أكبر‬yiri. Markaasey Quraysh/‫قريش‬, oo naadiyadooda Kacbada
hareereheeda ku yiillay fadhida waxay ogaatay inuu muraadkuu lahaa gaaray. Markaasey usoo
kaceen, oo ay ku yiraahdeen:
"Cabdul Mudhalibow/‫ياعبد المطلب‬, kani waa ceelkii aabeheen Ismaaciil/‫إسماعيل‬, annaguna xaq
ayaan ku leennahay ee na wadaaji, oo aan kula wadaagno."
Wuxuu yiri:
"Yeeli mayo, oo arrinkaan waa mid aniga la iigu gooni yeelay, oo aan adinka la idinla key
wadaajin, oo anigoo dhexdiinna jooga ayaa keligay la i siiyay."
Waxay yiraahdeen:
"Hadaba, annagu kuu deyn meeynnee, oo waan kugu qabsanaynnaa ee in naloo kala garsooro
oggolow."
Wuxuu yiri:
31
"Hadaba waa yahaye ee qofkaad doontaan u magacaaba garsoore noo kala xukun qaadah."
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan garsoore ka dhiganeynnaa kaahinadda (waa haweeney faalisa) reer Banii Sacad
Huthaym/‫بني سعد هذيم‬."
Wuxuu yiri:
"Waa yahay."
Kaahinaaddaasina waxay degganayd tuulo miyyiga dalka Shaam/‫ الشام‬ku dhoweyd. Halkaas ayuu
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬u safray, isagoo ay la socdaan rag ay aabayaalkiis dhaleen ee
ubadka Cabdu Manaaf/‫ عبد مناف‬ah.
Qabiil kasta oo kale oo Quraysheedna\‫ قريش‬waxaa kasoo safray rag. Arliguna waa saxraa, lama
degaan ah oo oomane ah. Markaasey soo keceen oo markay marayaan lama degaan Xijaaz /‫حجاز‬
iyo Shaam/‫ الشام‬u dhexeeya ayay Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬biyihii ka go'een, sidoo
kalena ay asxaabtiisii qoyskiisa ahayd oo la socotayna ay ka go'een.
Markaasey harraadeen, oo ay hubsadeen inay la'anayaan. Markaasey raaggi kale ee qabaa'ilka
Quraysheed ahaa oo ay safarka ku wada jireen inay warabiyaan weydiisteen. Raggii wuxuu ugu
jawaabay:
"Waxaan ku sugannahay lama degaan oomane ah, annaguna waxaan nafteenna uga baqaynnaa
wax la mid ah waxa adinka idinku dhacay oo kale."
Sidaas ayay inay biyo siiyaan ugu diideen.
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬marku arkay waxay raggu faleen iyo siday isaga iyo
asxaabtiisu ay naftooda ugu baqeen, ayuu wuxuu asxabtiisa ku yiri:
"Maxay idinla tahay?"
Waxay yiraahdeen:
"Annaga arigtideennu waxay raacsantahay adiga aragtidaada, oo waxaad ku taliso ayaan
yeeleynnaa, ee waxaad doontid na far waan yeeleynnaaye."
Wuxuu yiri:
"Anigu waxaan u arkaa inuu nin walba godkiisa lagu xabaalayo hadda qoto intaad itaal leedihiin,
oo markuu nin dhintaba saaxibbadiis godka ha geliyaan oo ku duugaan, ilaa uu ninka ugu
dambeeya uu soo haro, oo inaan nin keligiis la duugin waa ay ka sahlantahay inaan safar idil la
wada duugin."
Waxay yiraahdeen:
"Amar fiican ayaad bixisay."
Markaasuu nin walba kacay oo uu godkiisii qotay, oo ay kaddibna iska fariisteen, ayagoo sugaya
inay harraad u dhintaan.
Kaddib wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaan sidaas gacneheenna geerida isugu tuurno, oo aanan arliga sahmin, oo
aanan nafteenna wax u raadin waa awood li'i, oo waxaaba dhici karta inuu Ilaahay arliga meel ka
mid ah biyo naga siiyo, ee na kiciya aan dhaqaaqnee."
32
Markaasey fadhigii ka kaceen oo ay alaabtoodii ay hore usoo dejiyeen awrtooda dib ugu rareen.
Markay hawshaas dhammeeyeen oo ay kasoo jeesteen, ayagoo ay ragga qabaa'ilka kale ee
Quraysheed fiirsanayaan waxay samaynayaa, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬hashiisa
xaggeeda u dhaqaaqay oo uu fuulay.
Markay hashii la kacday oo ay istaagtay ayaa waxaa dhulka cagteeda hoostiisa ah kasoo
burqaday il biyo macaan ah.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Allaahu Akbar/‫ هللا أكبر‬yiri, asxaabtiisuna ay
sidoo kale Allaahu Akbar/‫ أهلل أكبر‬yiraahdeen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬hashii kasoo degay oo uu biyihii cabbay,
asxaabtiisuna ay sidoo kale isha ka cabbeen, haamohooda iyo weelashoodana ay biyo ka
buuxsadeen.
Markaas kaddib ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ragga qabaa'ilka kale ee Quraysheed
\‫ قريش‬u yeeray, wuxuuna yiri:
"Biyaha u kaalaya, Ilaahay ayaa na waraabiyee oo cabba, kana dhaansada."
Markaasey yimaadeen oo ay biyihii ka cabbeen, ayna dhaansadeen, kaddibna waxay yiraahdeen:
"Wa Allaahi/‫ وهللا‬Cabdu Al Mudh-dhalibow\‫عبد المطلب‬, gartii adiga ayaa laguu sooray oo lagu
siiyay, annagana gardarrada ayaa nala saaray. Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan Zamzam/‫ زمزم‬waligeen
dambe kugu qabsanayn, oo Midka lama degaanka kugu waraabiyay ayaa Zamzamna‫ زمزم‬ku
siiyay oo kaa waraabiyay. Marka ceelkaaga Zamzam‫ زمزم‬dib ugu noqo, adigoo hanuunsan oo
arrinkaas yaqiinsan."
Markaasuu dib u laabtay, oo ay ayaguna dib ula noqdeen. Kaahinaddii uma ayan tegin, oo
meeshay degganayd maba ayan gaarin, wayna iskaba daayeen.
Calii bin Abii Dhaalib/‫علي بن أبي طالب‬, Allaha wajigiisa karaameeyo raallina ka ahaadee, waxaa
kaloo laga wariyay inuu yiri:
"Marka Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬la amray inuu Zamzam/‫ زمزم‬qodo, wuxuu u tegey
Quraysh/‫قريش‬, wuxuuna yiri:
"Waxaa la i amray inaan ceelka Zamzam qodo."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Ma laguu caddeeyey, oo ma lagu tusay meeshuu ceelku ku yaallo?"
Wuxuu yiri:
"Maya."
Waxay yiraahdeen:
"Meeshaad hurudday oo waxaad aragtay lagugu tusay dib ugu noqo, oo hadday riyadaasu xaq
run ah tahay barta uu ceelku ku yaallo ayaa laguu caddeynayaa, hadduu shaydhaan ahaana kugu
soo laaban mayo."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬meeshuu hurday dib ugu laabtay oo uu seexday.
Markaasaa loo yimid oo lagu yiri:
33
"Zamzam/‫ زمزم‬qod, oo haddaad qodid ka aad shallaayi maysid, waana dhaxalka aabahaagii
waynaa, waligiisna guri mayo, biyihiisuna yaraan mayaan. Waxaad ka waraabisaa xujayda
waawayn oo aad mooddo nicmooley kacday (waa geel iyo ari iyo lo') oo aan la qaybin oo aan
kala tegin, uu mid loo nicmeeyey Midka u nicmeeyey nathar u galo, waxayna ahaaneysa dhaxal
iyo caqdi muxkam ah, aanna ahayn wax la mid ah waxaad taqaanid, waxayna u dhexeysaa uuska
iyo dhiigga."
Waxaa la yiri in markii sidaas lagu yiri ayuu isaguna yiri:
"Xaggee buu ku yaallaa?"
Waxaana lagu yiri:
"Tuulada quraanyada agteeda, meesha uu berrito tukuhu afkiisa ku qodi doono."
Labadaas riwaayadoodba waxaa laga wariyay Calii bin Abii Dhaalib/‫علي بن أبي طالب‬, Allaha
raalli ka noqdee, midday ahaydna Ilaahay ayaa u cilmi leh.
Markaasuu subixi dambe Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬soo jarmaaday isagoo uu wiilkuu
rag ka lahaa la socdo, magaciisuna Al Xaarithu/‫ الحارث‬ahaa, wuxuuna yimid Kacbada.
Markaasuu halkaas ka helay tuulada quraanyada, agteedana uu ku arkay tuke dhulka qodaya
meel labada sanam ee Isaaf/‫ إساف‬iyo Naa'ilah/‫ نائلة‬dhexdooda ah, labadaas sanam agootoodoo ay
Qurayshi qurbaannadooda ku birayn jirtey.
Markaasuu godintiisa qaatay oo uu u kacay inuu bartii la faray uu qodo. Markaasey Qurayshi
\‫ قريش‬markay dadaalkiisa aragtay usoo istaageen oo ay yiraahdeen:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬ayaanna kuu daynayn inaad labadaan sanam oo aan dhexdooda
qurbaannadeenna ku qalno aad qodid".
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wuxuu wiilkiisa Al Xaarithu/‫ الحارث‬ku yiri:
"iga celi intaan qodayo oo wa Allaahi‫ وهللا‬waan fulinayaa wixii la i amray."
Markay arkeen inuu dagaallamayo, ayay iska daayeen si uu qodniinkiisa usii wato. Markuu in
yar qodayayba waxaa u muuqday ceelka afkiisa. Markaasuu Allaahu Akbar /‫ هللا أكبر‬yiri,
wuxuuna ogaaday in run loo sheegay.
Ceelka afkiisa ayuu wuxuu ka helay laba deero oo dahab ka samaysan, labadaas deero ah kuwii
ay Jurham/‫ جرهم‬kuu duugtay markay Makkah\‫ مكة‬ka baxaysay.
Wuxuu kaloo ceelka afkiisa ka helay seefo ah kuwa Hindiya lagu soo sameeyey iyo diracyo bir
ah oo la gashado marka dagaalka la gelayo oo hubka la isga celiyo.
Markaasey waxay Qurayshi\‫ قريش‬ku tiri:
"Cabdul Mudhalibow/‫يا عبد المطلب‬, sidaadoo kale ayaan annaguna alaabtaan xaq ku leennahay,
waana kula wadaageynnaa."
Wuxuu yiri:
"Maya, laakiin ina keena aan ku kacno arrin noo kala gar soorah, oo aan u qoryo tuuranno."
Waxay yiraahdeen:
"Oo sidee baad yeeleysaa?"
Wuxuu yiri:
34
"Kacbadana waxaan siineynnaa laba qori, aniguna waxaan leeyahay laba qori, adinkuna waxaad
leedihiin laba qori. Markaas cidda labadiisa qori soo baxdo, waxay labadaas qori kusoo baxdo
ayay leedahay, cidday qoryihiisu soo bixi waydana waxba ma laha."
Waxay yiraahdeen:
"Gar ayaad soortay."
Markaasuu laba qori oo midabka hurdiga ah Kacbada/‫ الكعبة‬u yeelay, laba qori oo madawna
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬u yeelay, laba qori oo cadcadna Quraysh/‫ قريش‬u yeelay.
Markaasuu wuxuu qoryihii oo idil u dhiibay faaliyaha sanamaka Hubal/‫هبل‬, oo Kacbada
dhexdeeda ku jiray, agtiisa joogay. Hubalna wuxuu ahaa midka asnaamtooda ugu wayn, waana
midka uu Abuu Sufyaan/‫ أبوسفيان‬u dan lahaa markuu Maalintii Uxud\‫ يوم أحد‬yiri:
"Hubalow, diintaada kor mari."
Markay Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬iyo raggii Quraysheed\‫ قريش‬ay Kacbada galeen, ayuu
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬u istaagay inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, baryo.
Markaasuu faaliyihii u qoryo tuuray, wuxuuna u qori tuuray cidda yeelaneysa labada deero oo
dahabka ah. Waxaa soo baxay labada qori oo hurdiga ah oo ay Kacbadu leedahay, oo sidaas
labada deero u yeelatay. Marka seefaha iyo diracda loo qori tuurayna waxaa soo baxay labada
qori oo madow ee Cabdul Mudhalib/‫عبد المطلب‬. Labada qori ee Quraysh\‫ قريش‬way soo bixi
waayeen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬seefihii iyo diracyadii inta dhalaaliyay Kacbada
albaad bir ah uga dhigay, labada deerana inta dhalaaliyay albaabka Kacbada oo birta ah ka kor
mariyay oo uu sidaas ugu dheehay, oo ku qurxiyay: dahabkaas ayaa ahaa midka ugu horreeya oo
albaabka Kacbada lagu qurxiyo.
Markaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu bilaabay oo uu jideeyey hawsha la
yiraahdo Al Siqaayata/‫السقاية‬, isagoo hore u hayay xilka sharafta badan oo la yiraahdo Al
Rifaadata/‫الرفادة‬.
Al Siqaayata‫ السقاية‬waa waraabinta oo biyaha Zamzam dadka laga waraabiyo, hawshaasoo wali
haddeer socota, oo waa ayada meelaha Muqaddaska ee Xajka oo idil, sida Makkah\‫مكة‬, Al
Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, Mina\‫ منى‬, Muzdalifah\‫المزدلفة‬, Carafaat\‫عرفات‬, gegida
dayuuradaha iyo meelo kaleba ay joogaan baabuurro biyo qabow oo dhalooyin ku jira, ahna
biyaha Zamzam\‫ زمزم‬xujeyda lacag la'aan siiya.
Qurayshna\‫ قريش‬markaasey ayaduna ceelal kale qodday, ceelka Zamzam\‫ زمزم‬ayaase ka wada
kormaray, oo xujeyda laga waraabin jiray, dadkuna isagay xaggiisa usoo wada jeesteen oo ay ka
waraabeen, waliba marka la fiiriyo meeshuu uga yaallo Al Masjidu Al Xaraamu\‫المسجد الحرام‬, iyo
siday biyihiisu biyaha ceelasha kale uga fiican yihiin.
Waxaa intaas dheer oo uu dadku usoo aaday isagoo uu Zamzam\‫ زمزم‬yahay ceelka Ismaaciil bin
Ibraahiim/‫إسماعيل بن إبراهيم‬, Calayhimussalaamu. Sidaas ayay reer Cabdu Manaaf/‫عبد مناف‬, oo
ah reerka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam,
Quraysh\‫ قريش‬inteeda kale iyo Carab oo idil ugu faantay ceelka Zamzam\‫زمزم‬.
35
Sidoo kale waxaa xujeyda intaasoo meeloodba lagu siiyaa cunno baakado ku jirta. Cunno
siintaasna waxaa la yiraahdaa Al Rifaadata/‫الرفادة‬, oo aan arki doonno, Inshaa'Allaahu\‫إن شاء هللا‬
markaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowayaalkiisa ka hadleynno.
Albaabka Kacbada
Albaabkaas ayuu ahaa albaabka ugu horreeya oo bir ah iyo dahab ah oo Kacbada la saaro.
Markuu Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, Kacbada dhisay, laba albaad ayuu u yeelay oo
iska soo horjeeda, dhulkana ku dheggan, oo midna qorrax kasoo bax ku yaallo, oo ah dhinaca uu
albaabkeedu hadda ku yaallo, midna galbeed ku yaallo, oo inta midka hore laga soo galo midka
dambe laga baxo. Labadaas irdoodba albaabbo ma saarnayn, oo way iska bannaanaayeen, oo inta
mid laga galo ayaa kan kale laga bixi jiray.
Kaddib Boqorka Yaman\‫ يمن‬oo la yiraahdo Ascad Tubbaca/‫ أسعد تبع‬Saddexaad ayaa u yeelay
albaab hal qalbac ah oo Kacbada lagu xiro, lana furi karo.
Kaddib, zaman dheer kaddib, markay Qurayshi\‫ قريش‬Kacbada dib u dhistay, isagoo Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas shan iyo soddon sano jiro, waqti
Nabinnimada shan sano ka horreysey, ayay albaabkii galbeed awdeen, midka barina ay albaab
labo qalbac ah u yeeleen, dhulkana ka kacsan, si uusan u gelin qof ay ayagu u oggolaadeen
mooyee, maadaama ay jaranjarada lagu gaaro albaabka iyo furaha irridda lagu furo ay ayagu
hayaan.
Hadda albaabka Kacbadu dhererkiisu wa saddex mitir iyo toban sentiimitir, ballaciisuna waa hal
mitir iyo sagaashan sentiimitir, cumuqdiisuna oo ah jirmigiisa waa konton sentiimitir. Albaabku
wuxuu dhulka ka kacsanyahay labo mitir iyo shan iyo labaatan sentiimitir.
Kacbada gudeheedana waxaa ku yaalla albaab kale oo laga baxo marka saqafka Kacbada la
fuulayo. Albaabkaas waxa la yiraahdaa Baabu Al Ttawbah/‫باب التوبة‬, dhererkiisuna waa laba mitir
iyo soddon sentiimitir, ballaciisuna waa toddobaatan sentiimitir.
Hadda labadaas albaabba ee Kacbadu waxay ka sameysan yihiin dahab saafi ah oo culayskoodu
yahay laba boqol iyo sideetan kiilogram.
Asalka ceelka Zamzam
Al Shaykh Cabdi Al Xamiid Juudah Al Ssaxaar\‫ الشيخ عبد الحميد جودة السحار‬wuxuu kitaabkiisa
Muxammadun Rasuulu Allaahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wa
Allathiina Macahu\‫ محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم والذين معه‬yiri:
Degidda Makkah al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬
Saddex kun iyo shan boqol oo sano qiyaas dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi
Wasallam, ka hor ayuu Nabi Ibraahiim, Calyhissalaamu, isagoo fulinaya amarka Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa, willkiisa dhaladka ah, oo markaas dhashay Ismaaciil iyo wiilkaas
hooyadiisii dhashay oo magaceedu yahay Haajar\‫هاجر‬, wuxuu ka keenay arliga Falasdhii\n‫فلسطين‬
oo uu degganaa, wuxuuna keenay Makkah al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, oo markaas-se ah waadi
36
saxra ah oo cidla ciirsila ah oo aan la degganayn, beer iyo dhir iyo geed iyo har midna aan
lahayn.
Halkaas ayuu wuxuu uga dhisay cariish qoryaha geedka araak\‫ ارآك‬la yiraahdo, oo ah geedka
cadayga, ka sameysan, buurta Abuu Qubays\‫ أبوقبيس‬agteeda, oo ah buurta uu hadda ka dul
dhisanyahay qasriga Boqorka Sucuudiga, wuxuuna siiyay jiraab timir ah oo aan buuxin iyo
sibraar biyo ku jiraan, aanse buuxin.
Markuu intaas yeelay, ayuu ka gaddoomay oo ka tegey, isagoo arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬dib ugu
laabanaya.
Markaasey Haajar\‫ هاجر‬dabagashay oo ay tiri:
"Ibraahiimow\‫ياإبراهيم‬, xaggee baad u socotaa, adigoo na dhigay waadigaan (waadi waa ban
buuro u dhexeeya) uusan dadna joogin, wehelna aan lahayn, waxna ayan ku oollin?"
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬uma uusan soo jeesan xaggeeda, umana jawaabin horese ayuu socodkiisa u sii
watay.
Markaasey Haajar\‫هاجر‬, oo sii daba socota ay mar labaad waxay ku tiri:
"Ibraahiimow, xaggee baad u socotaa, adigoo waadigaan na dhigay uusan dadna joogin, wehelna
aan lahayn, waxna ayan ku oollin?"
Markaasuusan Ibraahiim\‫ إبراهيم‬xaggeedaba soo dhuganin, uusanna u jawaabin.
Haajar, ayaadoo sii daba socota, Ibraahiinna\‫ إبراهيم‬uu socodkiisa sii wato, ayay mar saddexaad
waxay tiri:
"Ibraahiimow, xaggee baad u socotaa, adigoo na dhigay waadigaan uusan dadna joogin, wehelna
aan lahayn, waxna ayan ku oollin?"
Markaasuusan markaan saddexaadna usoo jeesan xaggeeda, una jawaabin.
Markaasey waxay ku tiri:
"Ma Ilaahay ayaa sidaan ku amray?"
Wuxuu yiri: "haa".
Markaasey waxay ku tiri: "Hadaba (Ilaahay\‫ )هللا‬na lumin mayo", ayadoo uu qalbigeeduna degay,
hubsatayna in haduu Ilaahay ninkeeda, Nabi Ibraahiim, Calahissalaamu, ku amray inuu ayada
iyo wiilkeeda arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬kasoo raro oo uu bartaas soo dejiyo, inuu Ilaahy doonayo
inuu willkeeda iyo ayadaba u nicmeeyo, oo nicmaduu hore u siiyay uu u dhammeystiro.
Markay Haajar\‫ هاجر‬xagga cariishka dib ugu laabatay, oo ayan u jeedin, isaguna uu jiirta buuraha
dhexdooda ah marayo, ayuu Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, intuu xagga Kacbada, oo aan
markaas dhisnayn, uso jeestay, ayuu Alle baryay, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa
Aayadda toddoba iyo soddon ee Suuratu Ibraahiim noogu sheegay:
ِِ
ِ
ِ
ِ
ٍ ِ ِ
ِ ُ ‫رب ََّنا إِِّني أَس َك ْن‬
ِ
ِ ‫الن‬
َّ ‫اج َع ْل أَ ْفئِ َدةا ِم َن‬
‫اس‬
َّ ‫يموا‬
ْ َ‫الص ًَلةَ ف‬
ْ
َ
ُ ‫ت م ْن ُذِّريَّتي ب َواد َغ ْي ِر ذي َزْرٍع ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق‬
َّ ِ َّ ِ
".)23( ‫ون‬
َ ‫تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر‬
"Rabbanaa innii askantu min thurriyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al
Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu al ssalaata fa ijcal af'idatan mina al nnaasi tahwii
ilayhim wa arzuqhum mina al th-thamaraati lacallahum yashkuruuna".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
37
"Rabbigeenow, waxaan caruurteyda qaarkeed dejiyay tog aan beer lahayn oo ah Gurigaaga
Xurmada leh agtiisa ah, Rabbigeenow inay salaadda u oogaan, ee ka yeel quluubta dadka tii
ayaga xaggooda u iilata, kana arzuq miro, inay shukriyaan ayay mudanyihiine".
Isagoo uu Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu, uu bartaas ku magacaabay Guriga Ilaahay oo
Xurmada leh, intayan isaga iyo willkiisuba dhisin, ayay waxay culumada qaarkeed yiraahdaan
taasi waxay daliil u tahay inay Kacbadu hore u jiri jirtay, ayse duntay, laakiin ay qawaaciddi,
ama aasaaskii Gurigu oo dhulka hoostiisa ku duugnaa ay hareen, oo ay Ibraahiim iyo Ismaaciil,
Nabigeenna iyo ayagaba Calayhimussalaatu wa Al Ssalaamu, aasaaskaas kor usoo qaadeen oo ay
sidaas Kacbada ku dhiseen. Culumadaasu waxay daliil ka dhiganayaan Aayadda boqol toddoba
iyo labaatan ee Suuratul Baqarah\‫سورة البقرة‬, oo uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ku yiri:
ِ
ِ
ِ ‫اع َد ِمن اْلب ْي ِت وِاسم‬
ِ ‫اهيم اْلقَو‬
ِ ِ
.”)233( ‫يم‬
ْ ‫اعي ُل َرب ََّنا تَقَب‬
َ ‫َّل ِمَّنا إَِّن َك أ َْن‬
َْ َ َ َ
ُ ‫ت السَّميعُ اْل َعل‬
َ ُ ‫“ َوِا ْذ َي ْرفَعُ إ ْب َر‬
"Wa ith yarfacu Ibraahimu al qawaacida mina Al Bayti wa Ismaaciilu."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Xusuuso markuu kor u qaaday Ibraahiim\‫ إبراهيم‬aasaaska guriga iyo Ismaaciil\‫إسماعيل‬."
Culumadaasi waxay leyihiin aasaas hore u jirey ayaa dhulka kor looga qaadi karaa. Runtana
Rabbi ayaa og.
Sidaas ayuu Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu, Falasdhiin\‫ فلسطين‬dib ugu laabtay.
Xijru Ismaaciil ama Al Xadhiim\‫حجر إسماعيل\الحطيم‬
Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu, barta uu cariishkaas ka dhisay waa barta maanta la yiraahdo
Xijru Ismaaciil\‫حجر إسماعيل‬, oo ah barta goobaabin nuskeed ah oo darbiga yari ku
wareegsanyahay oo Kacbada Sharafta leh xagga waqooyi uga taalla.
Xijr wuxuu ka yimid erayga xujrah\‫ حجرة‬oo ah qol. Halkaas ayay Nabi Ismaaciil,
Calayhissalaamu iyo hooyadiis Haajar\‫هاجر‬, Allaha raalli ka noqdee, degganaayeen oo uu
qolkoodu ahaa, ayna ku duuganyihiin.
Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسملعيل‬waxaa kaloo la yiraahdaa oo magaciisu yahay Al Xadhiimu\‫الحطيم‬,
looguna bixiyay in qaarkiis (waana saddexda mitir oo darbiga Kacbada xigtah) laga jebiyay
Kacbada oo uu uu dhexdeeda ka mid yahay, oo qofkii saddexdaas mitir ku tukada wuxuu ku
tukaday Kacbada dhexdeeda, oo xadhiim wuxuu ka yimid erayga xadhama\‫ حطم‬oo macnihiisu
yahay waa la dumiyay. Darbigaas Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسملعيل‬wuxuu dhulka ka qaadanyahay hal
mitir iyo soddon iyo labo sentiimitir, ballaarkiisuna waa hal mitir iyo shan iyo konton sentiimitir,
labada irdood oo Xijrigana waxaa u dhexeysa siddedd mitir iyo toddoba iyo toddobaatan
sentiimitir.
Qaybta Kacbada ka mid oo Xijriga ku jirtana waa saddex mitir. Irridda Xijriga oo xagga al
Multazam iyo Albaabka Kacbada u furan waa laba mitir iyo sagaal iyo labaatan sentiimitir.
Irridda labaad oo ayada kasoo horjeedana waa laba mitir iyo saddex iyo labaatan sentiimitir.
Darbigaas gaaban dhererkiisuna, marka dibadda laga cabbiro, waa kow iyo labaatan mitir iyo
toddoba iyo konton sentiimitir.
38
Cabbirradaas iyo kuwa kale oo kitaabkaan ku xusan ee Kacbada iyo Xaramka Maakkah \‫حرم مكة‬
waxaan kasoo qaadannay kitaabka magaciisu yahay Taariikhu Makkata Al Mukarramata
Qadiiman wa Xadiithan\‫تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬, uuna dhigay Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al
Ghanii\‫د\محمد إلياس عبد الغني‬, iyo Kitaabka Story of the Great Expansion, oo ku saabsan ballaarinta
labada Xaram, ayna dhigtay Shirkadda Saudi Bin Ladin Group.
Dhimashada Haajar\‫هاجر‬
Haajar waxay dhimatay isagoo Ismaaciil labaatan sano jiro
Socodka Al Saffaa iyo Al Marwata dhexdooda\‫السعي بين الصفا والمروة‬
Markay biyiihii sibraarka ugu jiray ka dhammaadeen, oo wiilkii harraaday, ayay Haajar \‫هاجر‬
kurbootay, oo ay hareereheeda dhugatay, inay aragto dad socda oo ay biyo ka qaadato. Cidnase
way arki wayday.
Markaasey orodday oo ay buurta Al Saffaa\‫الصفا‬, oo kacbada boqol iyo soddon mitir u jirta
dusheeda fuushay, si ay ilaa il qabadkeeda u qooraansato, oo sidaas dad socda oo biyo sita ay ku
aragto haaday aaggaas marayaan.
Al Saffaa‫ الصفا‬macneheeduna waxaa weeye buur dhagax sulub ah. Mase ayan arkin cid
dhaqaaqeysa. Markaasey kasoo degatay buurta oo intay socod iyo orodbaba isku dartay waxay
dul fuushay buurta kale oo la yiraahdo Al Marwata\‫المروة‬, Rukniga Shaamiga ah\‫ الركن الشامي‬ee
Kacbadana u jirta saddex boqol oo mitir.
Al Marwata‫ المروة‬macneheeduna waxaa weeye buurta dhagaxa ah oo jilicsan oo cad.
Labdaas buurood waxay isku jiraan saddex boqol iyo afar iyo sagaashan mitir iyo konton
sentiimitir.
Markay buurtaasna dul fuushay oo il qabadka qooraansatay oo ay cidna arki wayday, ayay kasoo
degatay oo intay socod iyo orodba isku dartay buurta Al Saffaa‫ الصفا‬kusoo laabatay oo ay dul
fuushay, mar labaad, ayay cidna arki wayday. Sidaas ayay toddoba goor labadaas buurood isaga
dhex socotay, ayadoo saddex goorna Al Saffaa‫ الصفا‬dul fuushay, afar goorna Al Marwata‫المروة‬.
Intaasoo idil wiilkeedu harraad ayuu la booyayaa.
Taas ayaa u sabab ah in qofka cumreysanaya ama xajinaya uu labadaas buurood toddoba goor u
kala socdo, camalkaasoo Al Sacyi\‫ السعي‬la yiraahdo, intuu labadaas buurood isaga kala soconayo,
ordayana ay tahay 394,5x7goor= 2761,5 mitir, oo ku dhaw saddex kiiloomitir. Ayadoo wali
buurta Al Marwata dul saaran, toddobadaas goor ka dib, ayay cod maqashay.
Markaasey waxay u malaysay inay ayadu isla hadashay, markaasey waxay tiri: "Sihin \‫( "صه‬oo
saad ka bilaabatah) oo macneheedu yahay aamus.
Markaasey hadana dhegeysatay, oo ay hadana cod maqashay.
Ceelka Zamzam\‫بئر زمزم‬
Markaasey usoo dhaqaaqday bartay wiilkeeda uga soo tagtay, oo ay tiri:
"Waa lagu maqlay haddaad wax lagu badbaado haysid". Markay timid barta wiilkeedu joogayna
waxay ugu timid Malaku Jibriil\‫ جبريل‬oo ku sugan barta ceelka Zamzam\‫زمزم‬, oo intuu ciribtiisa
dhulka ku dhuftay ay ceelka Zamzam biyihiisu halkaas kasoo burqadeen.
39
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu leeyahay inuu Malaku Jibriil\‫ جبريل‬dhulka ciribtiisa ku dhuftay, oo
uusan gacantiisa ama uusan wax kale ku dhufan waxay ishaaro u tahay oo ay tilmaameysaa inuu
ceelkaasi u wareegi doono ubadkiisa ka dambeeya oo dhaxli doona: Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ayaana ah ubadka Nabi Ismaaciil, kaasoo uu ceelka Zamzam isaga,
Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam iyo ummaddiisaba uso wareegay oo yeeshay, oo ubadku waa
ciribta ka harta ninka.
Markaasey Haajar\‫ هاجر‬biyahaas ceshatay oo ay barkad sameysatay, ayna sibraarkeeda
gacanteeda biyo uga buuxsatay.
Markaasey biyaha ka cabtay, wiilkedana ay nuujisay. Malaggu wuxuu Haajar\‫ هاجر‬ku yiri:
"Ha ka baqin inaad luntid, maxaa yeelay kani waa Guriga Ilaahay oo Xurmada leh ‫بيت هللا‬
\‫الحرام‬, ayna dhisi doonaan wiilkaan iyo aabihiisa. Ilaahayna ehelkiisa ma luminayo."
Ceelka Zamzam\‫ زمزم‬wuxuu Kacbada u jiraa shan iyo toban mitir. Ceelka afkiisu wuxuu
Madhaafka\‫المطاف‬, oo ah meesha lagu socdo markay la dhawaafayo, ka hooseeyaa hal mitir iyo
konton iyo lix sentiimitir.
Ceelka afkiisa iyo salkiisu waxay isku jiraan, oo uu dhererkiisu yahay soddon mitir.
Biyuhu waxay ceelka afkiisa ka hooseeyaan afar mitir.
Ceelka waxaa biyaha siiya oo kusoo shuba ilo, kuwaasoo ceelka afkiisa u jira toddoba iyo toban
mitir. Ballaarka afka ceelku waa afar mitir. Laba ilood ayaa ceelka biyo kusoo shuba: ili waxay u
jeeddaa xagga Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo Kacbada\‫الكعبة‬.
Daloolkaas biyuhu kasoo baxaan dhererkiisu waa shan iyo toddobaatan sentiimitir, taaggiisuna
waa soddon sentiimitir. Biyaha ugu badani isagay ka yimaadaan.
Il labaad ayaa ayaduna ceelka kusoo shubta, daloolkeeduna waxayna u jeedaa xagga
Ajyaad\‫أجياد‬. Daloolkaan labaad dhererkiisu waa toddobaatan sentiimitir, taaggiisuna soddon
sentiimitir.
Ilo yaryar oo kalena waxay u jeedaan xagga Al Saffaa iyo Al Marwata\‫الصفا والمروة‬.
Ceelku wuxuu soo shubaa halkii il biriqsiba kow iyo toban ilaa sideed iyo toban iyo nus liitar oo
biyo ah, biyaahaasoo haan wayn oo Masjidka dibaddiisa ah matoor ku tuuro oo lagu shubo.
Halkaas ayaa dhuumo kasoo qaadaan oo ay Masjidka kusoo celiyaan. Biyaha Zamzam\‫زمزم‬
waxay kusoo dhacaan marka ceelka laga soo tuuro haamo, kaddibna inta haamahaas dhuumo
kasoo qaadaan ayaa Masjidka Xaramka\‫ المسجد الحرام‬dib loogu celiyaa. Haamahaas waxaa ka
dhaansada baabuurta haamah sida oo biyahaas meelo kale uu qaada, Mashruucaas waxaa la
dhammaystiray sanadka Hijriga ee kun afar boqol shan iyo toban (waa toddoba sano ka hor
markaan kitaabkaan dhigayo), wuxuuna ku yaalla meesha la yiraahdo Kudaa Makkah \‫كدى مكة‬.
Tirada biyaha halkii saac ceelka Zamzam keeno waa sidatan:
Sideed iyo toban iyo nus. Hal ilbiriqsi ee ku dhufo marka lixdan il bieiqsi, taasoo ah kun boqol
iyo toban liitar halkii daqiiqo. Intaas ku dhufo lixdan waxaana kuu soo baxaya lix iyo lixdan kun
iyo lix boqol oo liitar, waana inta halkii saacba soo baxda. Intaas ku dhufo afar iyo labaatan saac,
40
waxaana kuu soo baxaya hal malyan shan boqol sideed iyo sagaashan kun iyo afar boqol oo liitar
maalintii.
Bal xisaab inta biyo kasoo burqatay tan iyo waqtiga Nabi Muxammaad, Sallaa Allaahu Caleyhi
Wasallam! Ilaa iyo sanadka kun saddex boqol toddoba iyo soddon Hijriga, una dhiganta kun
sagaal boqol saddex iyo konton miilaadiga biyaha waxaa ceelka looga soo saari jiray wadaan
xarig ku xiran.
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬waxaa la geeyaa Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee
Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, degmooyin kale oo Boqortooyada Sucuudiga ka mid
ah, dadka Xajka iyo Cumradana gutana dalalkooda ay ka yimaadeen ayay u qaataan oo ay dib
ula noqdaan. Marka, maadaama uusan jirin dal adduunkaan ka mid ah oo aan laga soo xajjin, ma
uusan jiro dal addunkaan ka mid ah oo aan biyaha Zamzam la gayn oo aan laga cabin.
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬waa il jannada ka mid ah
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬waa il ka mid ah ilaha biyaha ee Jannada, waana mirihii ugu horreeyey oo
uu Ilaahay Nabi Ibraahiim, Calyhissalaamu, siiyay markuu baryay. Biyahaas ayaana u sabab ah
degidda iyo nolosha Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Biyahaasi waxay ka mid yihiin nicmooyinka ugu waaweyn iyo Aayaatka cadcad oo muuqda ee
Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬.
Biyahaasi waa biyaha ugu khayr badan oo adduunkaan dushiisa ku sugan, uuna soo saariddooda
Malak Jibriil\‫ ملك جبريل‬u sabab ahaa, Caleyhissalaamu, waxayna kasoo burqadeen barta ugu
muqaddisan arliga oo idil.
Biyahaas waxaa lagu dhaqay qalbiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, in
mar ka badan. Rasuulka Ilaahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, wuu
barakeeyey biyaha ceelkaas isagoo calyadiisa sharafta leh ku dhex tufay.
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬waa cunno qofka baahani uu ku dhergo
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬, sidaan u arki doonno, haddi Ilaahay idmo, waa cunno uu ka dhergo qofka
gaajeysan, waa biyo uu ku harraadboxo midka oomani, waa daawo cudur kasta u daawo ah;
biyahaasi waxayna qaadaan oo daaweeyaan madax xanuunka.
Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬aragga indhahay xoojiyaan
Ceelka Zamzam\‫ زمزم‬fiirintiisuna wuxuu xoojiyaa aragga indhaha.
Waxaa biyahaas lagu helaa wixii khayr ah oo loo cabbo oo uu Ilaahay qofkaas wixii uu niyaystay
oo uu u cabbay siiyaa.
In biyahaas laga dhergo oo ilaa feeraha laga buuxsado waa calaamad iimaanka qofkaas, waxaana
looga bogsoodaa nifaaqa. Biyahaas waxaa caba kuwa baariyiinta ah, waana waxa ugu fiican oo
la isku martisooro.
41
Ceelka Zamzam\‫ زمزم‬wuxuu jiraa ka badan shan kun oo sano
Waxay jirka siiyaan xoog, badnida inta laga cabay daraadeedna biyaaha ceelkaasi uma guraan.
Hadda wuxuu jiraa in ka badan shan kun oo sano, oo sidaasuu ku yahay ceelka adduunkaan ugu
fac wayn. Maalin walbana waxaa ka cabta malayiiin qof, oo ka weyseysata, oo ka qubaysta, oo
danahooda oo idil ku qunsada.
Cabidda Biyaha Zamzam\‫زمزم‬
Qofka biyahaas cabbaya waxaa habboon inuu weelka biyuhu ki jiraan uu midigta ku qabsado,
uuna xagga Qiblada u jeesto, uu Bisinka qabsado intuusan cabbin, uu niyaysto waxa uu doonayo
inuu Ilaahay cabbidda biyaahaas ku siiyo, sida dambi dhaaf, ama cudur uu qabo inuu ka
bogsoodo, ama inuu Ilaahay cilmi siiyo, iyo wixii la mid ah. Markaas kaddib uu cabbo, isagoo
taagaan ama fadhiyaba. Saddex goor ayuu weelkaas afka ka qaadayaa oo uu neefsanayaa,
biyahana caloosha ayuu ka buuxinayaa ilaa ay feeraha ka gaaraan. Markuu cabbidda
dhammeysto Ilaahay ayuu ku xamdinayaa, oo wuxuu leeyahay al xamdu li Allaahi \‫الحمد هلل‬.
Kaddib wuxuu ku ducaysanayaa wixii khayr ah ee adduunkaan iyo khayr aakhiraba, maxaa
yeelay marka biyaha Zamzam\‫ زمزم‬la cabbo kaddib waa waqti ka mid ah waqtiyada ducada la
aqbalo.
Wuxuu Muslim\‫ مسلم‬ka wariyay Abuu Tharr al Ghifaariyyi \‫ أبوذر الغفاري‬inuu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyaha Zamzam ka yiri:
".‫ إنها طعام طعم وشفاء سقم‬،‫"إنها مباركة‬
"Innahaa mubaarakatun, innahaa dhacaamu dhucmin wa shifaa'u suqmin." (xadiithka
Muslim\‫ مسلم‬laba kun afar boqol saddex iyo toddobaatan).
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬qofkii cabbah waxay u dherjinayaan siduu u dhergayo hadduu cunno
cuno."
Qaybta dambe ee xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Biyaha Zamzam\‫ زمزم‬bukaankana waxay u yihiin daawo uu ku bogsoodo."
(Waxaana wariyay al Dhabraanii\‫الطبراني‬, al Bazaar\‫ البزار‬iyo Aboo Daauud\‫)أبوداود‬.
Wuxuu al Bayhaqii\‫ البيهقي‬Jaabir\‫ جابر‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, biyaha Zamzam\‫ زمزم‬ka yiri:
".‫"ماء زمزم لما شرب له‬
"Maa'u Zamzama limaa shuriba lahu."
(Xadiithka 5/148 iyo 5/202 ee al Bayhaqii\‫البيهقي‬, Axmad\‫ أحمد‬3/357, Ibnu Maajah\‫إبن ماجة‬: 3062)
42
Wuxuu kaloo al Bayhaqii Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, ka
wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, biyaha Zamzam\‫ زمزم‬ka yiri:
".‫"آية ما بيننا وبين المنافقين أنهم ال يتضلعون من زمزم‬
"Aayatu maa baynanaa wa bayna al munaafiqiina annahum laa yatadallacuuna min
Zamzam." (Xadiithka 5/147 ee al Bayhaqii\‫)البيهقي‬.
Xadiithka macnihiisawaxaa weeye:
"Calaamadda annaga iyo munaafiqiinta noo dhexeysaa waxaa weeye inayan ayagu biyaha
Zamzam\‫ زمزم‬ilaa feeraha ka buuxsan."
Soo degidda Jurhum\‫ جرهم‬iyo Al Camaaliiq\‫ العماليق‬ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬
Al Ssaxxaar\‫ السحار‬wuxuu yiri:
“Markaasay Haajar\‫ هاجر‬farax badan daraadiis la kaahday, ayadoo uu Ilaahay Gurigiisa
Xurmada leh keenay, Gurigiisa Barakaysan oo ay dhisi doonaan wiilkeeda iyo Khaliilu Al
Rraxmaani\‫خليل الرحمن‬, ayaduna ay ku nooshahay barta daahirka ah iyo arliga uu Ilaahay
caalamiinta u barakeeyey.
Markaasaa waxaa dariiqa keena dhanka hoose ee Makkah\‫ مكة‬kusoo furtay safar qabiilka
Jurhum‫( جرهم‬oo reer Yaman\‫ يمن‬ah). Markaasay waxay arkeen haad samada heehaabaya,
waxayna yiraahdeen:
“haadkaaanu wuxuu dull heehaabayaa ceel biyood, sidaan ku naqaannana waadigaanu ceel iyo
biyo toona ma laha. Marka u dira cid soo aragtay waxa jira.”
Waxaa ayaguna yimid laba wiil oo qabiilka Al Camaaliiq\‫ العماليق‬u dhashay oo baadi goobaya
rati ka baadiyoobay oo ay seegeen oo ay markaas harraadeen. Labdaas wiil ehelkooduna waxay
ku sugnaayeen markaas –oo ayaguna sida Jurhum\‫ جرهم‬oo kale safar reer Yaman\‫ يمن‬ah ayay
ahaayeen-, markaasay waxay arkeen haad xagga waadiga dul heehaabaya, taasoo ay la yaabeen,
waxayna yiraahdeen:
“sideebuu haadkaanu u joogi karaa meel aan biyo lahayn?”
Kii kalaa wuxuu ku yiri:
“waa sidaad u jeeddo oo haadkaanu wuxuu ku sugan yahay meel aan biyo lahayn.”
Kii kalaa wuxuu yiri:
“Bal u kaadi.”
Markaasuu wuxuu arkay inuu haadku waadiga ku sii socdo kana soo socda oo kasoo baxayo, oo
biyuhuu kasoo waraabayaa, kaddibna kasoo gaddoomayaa. Markaasay waxay raaceen haadka
waadiga kusii socda ilaa ay kasoo dul istaagaan buurta Jabalu Abuu Qubays \‫أبو قبيس‬, oo ay
markaas biyaha arkeen iyo cariishka iyo Haajar\‫ هاجر‬oo biyaha agtooda joogta.
Markaasaa waxaa Haajar\‫ هاجر‬u yimid sahanka qabiilka Jurhum\‫جرهم‬, wuxuuna ku yiri:
“ma noo oggoshahay inaan agtaada soo degno?”
Markaasay si cad oo go’aan leh waxay ku tiri:
“Haa, laakiin biyaha xaq kuma lihidin.”
Waxay yiraahdeen:
43
“Waa yahay.”
Markaasay labadii wiilna buurta Jabalu Abuu \‫ أبو قبيس‬kasoo daadegeen oo waadiga hoos ugu
soo dhaadheceen, ayna Haajar\‫ هاجر‬u yimaadeen, ayna ku yiraahdeen:
“ceelkaan yaa iska leh?”
Waxay tiri:
“aniga iyo wiilkayga.”
Markaasay ayagoo yaaban ay labadoodu ku yiraahdeen:
“yaana qoday?”
Waxay tiri:
“waa waraabinta Ilaahay.”
Waxay yiraahdeen:
“Allaahu‫”?هللا‬
Markaasuu midkood kan kale dhugtay, oo Allaahu\‫ هللا‬ma ayan aqoon, waxayse dareemeen
dareen weyn oo labadooda qalbi cabsidiisa ka buuxisay, waxayna yiraahdeen:
“ma noo oggolaaneysaa inaan agtiinna soo degno?”
Waxay tiri:
“haa, laakiin biyaha ceelka xaq kuma lihidin.”
Markaasaa waxaa yimid oo soo degay Jurhum\‫ جرهم‬oo wadata raggooda iyo haweenkooda iyo
caruurtooda iyo geelooda caanooleyda ah iyo awrtoodaba iyo arigooda.
Waxaa ayaguna yimid oo soo degay Al Camaaliiq\‫العماليق‬, raggooda iyo haweenkooda iyo
caruurtooda iyo geelooda iyo arigoodaba, oo ay dhammaantoodba waadiga soo degeen, oo uu
markaas waadigii aan hore u lahayn beero, iyo caano iyo wehel iyo shayna toona, wuxuu la
buuxsamay nolol, ayadoo uu Ilaahay u furay barakaatka samaawaatka iyo arligaba.
Markaasay Haajar\‫ هاجر‬sujuud Ilaahay ula dhacday ayadoo xubin walba oo jirkeeda ka mid ahi
Ilaahay ku mahdinayo u tasbiixsanayo Ilaahay, ayna isu sheegtay inuu Ilaahay yahay Midka
naxariista badan oo la jeclaado.”
Waa intaas warka Al Ssaxxaar\‫ السحار‬Allaha u naxariistee.
Halkaasaa waxaa ka bilaabmay ganacsiga Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬oo Haajar\‫هاجر‬
iyo labadaas qabiil waxay is dhaafsadeen oo ku kala ganacsadeen biyeheeda Zamzam iyo ayaga
hilbaha iyo caanaha xoolohooda. Jurhum iyo Al Camaaliiqna halkaas ayay ku islaameen.
Ganacsiga Qurayshna Ilaahay Tacaalaa wuxuu noogu sheegay Suuratu Quraysh\‫سورة قريش‬.
Amarka in Ismaaciil\‫ إسماعيل‬la gawraco
Markuu Nabi Ismaaciil\‫ إسماعيل‬saddex iyo toban sano jirsaday, da' kalena waa la sheegay, ayaa
Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬kusoo laabtay, oo
uu wiilkiisa Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, iyo hooyadiis Haajar\‫ هاجر‬u yimid.
Markaasuu isagoo habeen hurda wuxuu ku riyooday isago la amrayo inuu willkiisa Ismaciil, oo
uu carrurba keligiis ka leeyahay uu gawraco. Riyada Anbiyaduna waa xaq run ah, oo shaydhaan
awood kuma laha.
44
Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil\‫إسماعيل‬
Markuu waabariistay ayuu wuxuu wiilkiisa Ismaaciil ku yiri:
"Mandhow, xarig iyo mindi soo qaad oo na keen aan bankaas buurta dhineceeda ku yaalla aan
ciiddaada uga soo qoryo gurnee".
Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Ibliis
Markuu soo qaatay ayay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Ismaciil\‫ إسماعيل‬is raaceen oo ay xagga buurta
aadeen.
Waxaa ka horyimid nin oo ku yiri:
"xageebaad uso socotaa oday yahaw?"
Markaasuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬intuu buurta la yiraahdo Jabalu Thabiir\‫( ثبير‬oo ka bilodah tha
saddex dhibcood kor ku leh) dhugtay ayuu wuxuu yiri:
"Waxaan u socdaa bankaas buurta ku yaalla, oo aan xaajo ka leeyahay".
Markaasuu wuxuu ninkii Ibraahiim ku yiri:
"wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan u arkaa inuu shaydhaan adigoo hurda kuu yimid, oo uu markaas ku
amray inaad wiilkaagaan gawracdid, haddana waxaad u socotaa adigoo doonayo inaad
gawracdid."
Markaasuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬aqoonsaday inuu Ibliis\‫ إبليس‬laftiisii yahay, wuxuuna ku yiri:
"Iga tag cadawga Ilaahayow, oo wa Allaahi\‫ وهللا‬waan fulinayaa amarka Rabbigay".
Markaasuu ku tuuray, oo uu la dhacay toddoba dhagax.
Ismaaciil iyo‫ إسماعيل‬Ibliis
Markuu Ibliis\‫ إبليس‬Ibraahiim\‫ إبراهيم‬ka quustay, ayuu wuxuu u tegey Ismaaciil \‫إسماعيل‬, oo ka
dambeeyey Ibraahiim\‫إبراهيم‬, sidana xarig iyo mindi.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Ma ogsoontahay meeshuu aabahaa kuu wado?"
Wuxuu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬yiri:
"Bankaas ayuu ehelkeenna uga soo qoryo gurayaa."
Wuxuu Ibliis\‫ إبليس‬ku yiri:
"wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan doonayn waxaan ahayn inuu ku gawraco".
Wuxuu Ismaaciil‫ إسماعيل‬yiri:
"Sababtuna maxay tahay?"
Wuxuu Ibliis\‫ إبليس‬yiri:
"Wuxuu ku andacoonayaa inuu Ilaahay sidaas ku amray."
Markaasuu Ismaaciil‫ إسماعيل‬, isagoo iimaan qalbigiisa ka buuxo wuxuu ku yiri:
"Ha meelmariyo wuxuu Rabbigiis amray."
Markaasu ku tuuray, oo uu la dhacay toddoba dhagax.
Haajar‫ هاجر‬iyo Ibliis
Markaasuu Ibliis\‫ إبليس‬wuxuu u tegey Haajar\‫هاجر‬, wuxuuna ku yiri:
45
"Ismaaciil\‫ إسماعيل‬hooyadiisow, ma ogsoontahay meeshuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬Ismaaciil\‫إسماعيل‬
la aaday?"
Waxay tiri:
"Wuxuu u watay inuu nooga soo qoryo guro bankaas buurta ku yaalla."
Wuxuu Ibliis\‫ إبليس‬yiri:
"Wax kale uma uusan wadan inuu gawraco mooyee."
Waxay tiri: "Intaas wuu uga naxariis badanyahay, jeceylka uu u qabana wuu ka xoog
badanyahay inuu gawraco."
Ibliis\‫ إبليس‬wuxuu yiri:
"Wuxuu ku andacoonayaa inuu Rabbigiis amray inuu gawraco."
Waxay tiri:
"Haddu Rabbigiis sidaas amray waxaan u hoggaansameynnaa amarka Ilaahay."
Markaasay ku tuurtay, oo ay la dhacday toddoba dhagax.
Buurtaas Jablu Thabiir\‫ جبل ثبير‬waxay ku taalla Muzdalifah\‫المزدلفة‬, waxayna ka qabaneysaa
bidixda qafka Carafaat\‫ عرفة‬ka yimaada oo Mina\‫ منى‬iyo Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬u
socda, waxayna midigta ka qabaneysaa qofka Mina ka taga oo Carafaat u socda.
Al Jamraat\‫الجمرات‬: dhagaxtuur
Saddexdaas meelood waa saddexda Jamraat\‫الجمرات‬, oo Xajka Ibliis dhagaxda lagula dhaco.
Taladuu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬aabihiis Ibraahiim\‫ إبراهيم‬siiyay
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬markuu wiilkiisa Ismaaciil\‫ إسماعيل‬buurta la tegey ayuu wuxuu ku yiri:
"Wiilkeygow, waxaan ku arkay hurdada anigoo ku gawracaya, ee bal eeg waxaad fali."
Ismaaciil\‫ إسماعيل‬wuxuu ku yiri:
"Aabow samee waxa lagu amray, waxaadna arki doontaa, haddii Ilaahay idmo, inaan ka mid
ahay kuwa sabree."
Wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬sidaas noogu sheegay Aayadaha
boqol iyo laba ilaa boqol kow iyo toban ee Suuratu Al Saafaat‫الصافات‬, oo uu Cazza wa Jalla ku
yiri:
‫ال َيا أ ََب ِت ا ْف َع ْل َما تُ ْؤ َم ُر‬
َ َ‫ال َيا ُب َن َّي إِِّني أ ََرى ِفي اْل َم َن ِام أَِّني أَ ْذ َب ُح َك فَ ْانظُ ْر َما َذا تََرى ق‬
َ َ‫َّع َي ق‬
ْ ‫َفلَ َّما َبلَ َغ َم َعهُ الس‬
ِ َّ ‫ستَ ِج ُدنِي إِن َش‬
)203( ‫ين‬
َ ‫اء اللهُ م َن الصَّابِ ِر‬
َ ْ
َ
"Falammaa balagha macu al ssacya qaala yaa bunayya innii araa fii al manaami annii
athbaxuka fa anthur maa thaa taraa, qaala yaa abati ifcal maa tu'maru satajidunii in
shaa'a Allaahu mina al ssaabiriina(102)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Markuu ku gaaray agtiisa socodka, wuxuu yiri: wiilkeygow, waxaan ku arkay hurdada anigoo
ku gawracaya, ee eeg waxaad fali. Wuxuuna yiri: aabow samee waxa lagu faray, waxaadna heli
doontaa hadduu Ilaahay idmo, inaan ka mid noqdo kuwa sabree (adkeystee)(102)".
46
Markaasuu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬wuxuu aabihiis ku yiri:
"Aabow, haddaad dooneysid inaad i gawracdid si fiican xarigga iigu xir, si ayan wax iiga kaa soo
gaarin, oo uusan sidaas ajarkeygu ku naaqusin, maxaa yeelay geeridu waa adagtay, aniguna isma
hubo inaanan isku dardarsami doonin markay geeridu i taabato.
Mindidaadana si fiican u afee, si aan dhakhso aan dhibka uga raaxeysto (oo aan dhakhso u
dhinto).
Markaad dhulka i dhigeysidna, dhinac ha ii dhigin, ee wajigayga dhulka dhig, maxaa yeelay
waxaan ka baqayaa inaad inta wajigayga fiirisid uu qalbijilayc ku galo, kala dhexgalana aniga
iyo fulinta amarka Ilaahay (oo aad markaas amarkii fulin waydid, oo aad i gawrici waydid)
Haddaad u aragtid inaad qamiiskeygaan hooyadey u geysidna, hadaba iga siib hadaba (si intuu
dhiiggeygu gaaro, ay markaas aragto oo ay ku calool xumaato)".
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬wuxuu yiri:
"Caawinaad khayr badan ayaad iigu tahay fulinta amarka Ilaahay."
Madax furashada Ismaaciil\‫إسماعيل‬
Markuu inta xarigga ku xiray, qamiiskana ka siibay, wajigana u dhigay, mindidiina intuu kacanta
ku qabsaday uu tunka Ismaaciil\‫ إسماعيل‬saaray uuna ku dhaqaaqay inuu mariyo, ayaa Rabbigiis
la hadlay, oo uu ku yiri:
"Ibraahiimow, riyadii waad rumaysay, sidaas ayaanna kuwa suuban u abaal marinnaa,
arrinkaasna wuxuu ahaa imtixaan cad."
Ilaahayna wuxuu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ku furtay wan wayn, oo uu beddelkiisa bireeyo.
Markaasuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬farax la ilmeeyey ilaa uu garkiisu ka qoyay, wiilkiisana uu ku yiri:
"Wiilkaygow, maanta ayaa la ii kaa hibeeyey."
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‫هللا سبحانه وتعالى‬, oo dhacdadaas nooga warramayana wuxuu
Quraanka ku yiri, oo uu Aayadaha boqol iyo saddex ilaa boqol kow iyo toban ee Suuratu Al
Saafaat ku yiri:
ِِ
ِ
ِ
ِ ِ‫َسلَ َما َوتَلَّهُ لِْل َجب‬
‫ين‬
ُّ ‫ت‬
َ ‫) َوَن‬202( ‫ين‬
َ ‫ص َّد ْق‬
ْ ‫اد ْي َناهُ أ‬
َ ‫الرْؤَيا إِنَّا َك َذل َك َن ْج ِزي اْل ُم ْحسن‬
ْ ‫َفلَ َّما أ‬
َ ‫) قَ ْد‬205( ‫َن َيا إِ ْب َراهي ُم‬
ِ
ِ ِ
ِ
ٍِ
‫) َس ًَل ٌم‬202( ‫ين‬
َ ‫) َوتََرْك َنا َعلَ ْيه في ْاْلَخ ِر‬203( ‫) َوفَ َد ْي َناهُ بِذ ْب ٍح َعظيم‬201( ‫ين‬
ُ ِ‫) إِ َّن َه َذا لَهُ َو اْل َب ًَل ُء اْل ُمب‬205(
ِ
ِ ِ ِ
ِِ
ِ
ِ ِ
)222( ‫ين‬
َ ‫) إَِّنهُ م ْن ع َباد َنا اْل ُم ْؤ ِمن‬220( ‫ين‬
َ ‫) َك َذل َك َن ْج ِزي اْل ُم ْحسن‬201( ‫يم‬
َ ‫َعلَى إ ْب َراه‬
"Falammaa
aslamaa
wa
tallahu
liljabiini(103)Wa
naadaynaahu
an
yaa
ibraahiimu(104)Qad saddaqta al Rru'yaa innaa kathaalika najzii al muxsiniina(105)Inna
haathaa lahuwa al balaa'u al mubiinu(106)Wa fadaynaahu bi thibxin cathiimin(107)Wa
taraknaa calayhi fii al aakhiriina(108)Salaamun calaa Ibraahiima(109)Kathaalika najzii al
muxsiniina(110) Innahu min cibaadinaa al mu'miniina(111)."
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Markay hoggaansameen oo uu wajiga u legday(103)Ayaan u dhawaaqnay:
Ibraahiimow!(104)Dhab ahaan ayaad ugu rumaysay riyadii, sidaas ayaanna ku abaal marinnaa
sama falayaasha(105)Taasina waa imtixaan cad oo muuqda (oo wayn)(106)Waxaanna ku
furannay loog wayn (wan)(107) Waxaanna ugaga tagnay (ugu reebnay) kuwa dambe (oo ay
Ibraahiim ammaanayaan ilaa yawmul qiyaamaha, taasoo abaalmarinta Ilaahay uu Ibraahiim
47
siiyay ka mid ah inay cid walba jeceshahay oo ay ammaanto)(108)Nabadgelyo (Salaan)
Ibraahiim korkiisa ha ahaato(109)Saas ayaanna ku abaal marinnaa sama falayaasha(110)Wuxuu
ka mid ahaa addoomadeenna mu'miniinta ah (111)."
Natharka Cabdu Al Mudh-dhalib/‫نذر عبد المطلب‬
Markuu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim/‫ عبد المطلب بن هاشم‬Quraysh kala kulmay wixii uu
kala kulmay markuu ceelka Zamzam qodayey, ayuu nathar ama shardi galay, oo ah in hadday
toban wiil u dhashaan oo ay wada qaan gaaraan oo ay markaas inta isaga xumaan la dooneysa ka
celiyaan, inuu wiilashaas midkoob Kacbada agteeda qurbaan ahaan ugu gawrici doono.
Markay wiilashiisu toban gaareen, uuna hubsaday inay cadawgiisa ka celinayaan, ayuu wada
shiriyay, kaddibna uu natharka uu galay u sheegay, uuna oofinta natharkaas waydiistay.
Al Suhayli/‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq/‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬ahaa ninka caruurta Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬ugu da' yar, taasoo uu ku il duufay, kaasoo aan caruurtiisa ugu yaraan
karin, oo Ibnu Isxaaq wuxuu kalo xusay inuu Cabdu Al Mudh/-dhalib‫ عبد المطلب‬guursaday
Haalata/‫هالة‬, hooyada dhashay wiilkiisa Xamzata/‫حمزة‬, kaddib markuu natharkiisa oofiyay, oo
markaas ay Xamzatu/‫ حمزة‬iyo Al Cabbaas/‫العباس‬, Ilaahay labadoodaba raalli ha ka noqdee, ay
dhasheen oofinta natharkaas kaddib.
Wiilasha Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, si aan shaki iyo mugdi ku jirin waxay ahaayeen
toban wiil. Laakiin koox culummo ah ayaa waxay yiraahdeen: "Adeerradiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxay ahaayeen laba iyo toban".
"Marka hadduu khabarku sidaas yahay", ayuu Abuu Cumar/‫ أبو عمر‬yiri, "khabarkaas inuu Cabdu
Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬lahaa toban wiil shaki iyo mugdi kuma jiro."
Haddii uu sax yahay khabarka kuwa yiri: "Adeerradiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
dhammaantood ahaayeen toban, oo ayan wax dheereyn", markaas magaca wiil wuxuu ku
dhacayaa oo run ahaan la yiraahdaa wiilka uu ninku dhalay iyo wiilasha ay wiilashiisu
dhaleenba.
Markaas Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu markaas lahaa toban nin oo ahaa wiilal uu
isagu dhalay iyo wiilal ay ayagu sii dhaleen."
Waa intaas warka Al Suhaylii/‫السهيلي‬.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo adeerkiis Xamzah/‫ حمزة‬waaba isku fac
oo Thuwaybah/‫ ثويبة‬ayaana wada nuujisay.
Adeerkiis Al Cabbaasna/‫ العباس‬saddex sano Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor
ayuu dhashay, natharkaa oofintiisa kaddib.
48
Riyada Cabdu Al Mudh-dhalibu\‫ عبد المطلب‬inuu natharkiisa oofiyo
Al Shariif Axmad Zaynii ‫السيرة النبوية واآلثار المحمدية لمفتي السادة الشافعية بمكة المشرفة السيد أحمد زين‬
‫ المشهور بدحالن‬ahaana muftiga shaaficiyada reer Al Makkah Al Mukarramah markay Aali Sacuud
qabsadeen Xijiaaz, kana dhashay qoys ashraaf ah Xasaniyiin\‫ حسنيين‬ah oo reer Makkah\‫ مكة‬ah
kana dhashay qoys cilmi can ku ahaa, necbaana wahaabiyada oo kitaab ka allifay waxay yihiin,
wuxuu kitaabkiisaas ku dhigan xaashiyada kitaabka siirada ee Al Xalabiyah \‫السيرة الحلبية‬
mujalladka koowaad bogga shan iyo sddonaad wuxuu ku yiri:
“Markay wiilasha Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬toban kaamil ah noqdeen soddon sano
kaddib qodidda Zamzam, indhiisuna ay ku qabawsatay ayaa la amray inuu natharkuu Rabbigiisa
ka galay uu oofiyo.”
Al Daxlaanii\‫ الدحالني‬wuxuu bogga shan iyo afartan ku yiri:
“Markuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬guursaday Faadhimatu bintu Camr Al
Makhzuumiyah‫ فاطمة بنت عمرو المخزومية‬oo ay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬u dhashay ayuu nuurkii
(wajiga Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ka muuqan jiray) wuxuu u guuray isaga.
‫عبد هللا‬iyo xagga akhlaaqdaba iyo dabeecadda.
Riwaayad kalena waxay warisay:
“wuxuu ahaa midka wiilasha aabihiis ugu qurux badan, ugu dhawrsan, Qurayshana\‫ قريش‬ay ugu
jecashahay, nuurka Nabinnimadana wuxuu majigiisa uga muuqda si loo wada jeedo oo caddaan
ah.”
Riwaayad kalena waxay warisay:
“wuxuu nuurku wajigiisa uga muuqday sida xiddigga dhalaalaya.”
Sharaxa Al Mawaahibuna\‫– شرح المواهب‬oo ah Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬- wuxuu yiri:
“Nuur ayuu la dhalaalayay Quraysh\‫ قريش‬dhexdooda, isagaana ahaa midka ugu qurxoon,
markaasay haweenka Quraysh\‫ قريش‬aad u jeclaadeen ayna kuba sigteen inuu caqligu ka tago.”
Culummada siiradu waxay yiraahdeen:
“Markaasuu (quruxdiisa daraadeed) wuxuu zamankiisa kala kulmay dhib la mid ah midkuu
Yuusuf\‫ نبي هللا يوسف‬zamankiisa kala kulmay haweenta Caziizka Masar\‫عزيز مصر‬.”
Ilaahayna aabihiis ayuu hanuuniyay wuxuuna u bixiyay magacuu Ilaahay ugu jecel yahay, oo
waxaa Xadiithka kusoo aroortay:
".‫"أحب األسماء إلى هللا عبد هللا وعبد الرحمن‬
“ “axabbu al asmaa’i ilaa Allaahi Cabdu Allaahi wa Cabdu Al Rraxmaan”
oo macnihiisu yahay:
“magacduu Ilaahay ugu jecel yahay waa Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬iyo Cabdu Al Rraxmaan ‫عبد‬
‫”الرحمن‬.
Wuxuuna ah nin dhawrsan oo kariim ah, cafis badanna oo sahal ah.
49
Markaasaa markuu gaaray sideed iyo toban sano ayuu aabihiis raacay si uu ugu guuriyo
Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬. Markaasuu wuxuu soo ag maray koox haween ah,
markaasay mid walba oo ka mid ihi ay isu soo bandhigtay, isaguna uu wada diiday diintiisa
daraadeed iyo dharsanaantiisa.”
Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee dambigiisana dhaafee.
Axmad bin Daxlaan waa: Al Shariif Axmad Zayn bin Axmad Daxlaan Al Qurashiyyi Al
Haashimii Al Xasanii Imaamu Al Xaramayni Al Shaaficii ‫الشريف إحمد زين بن أحمد دحالن القرشي‬
‫الحسني إمام الحرمين الشافعي‬, faqiih, taariikh yaqaan kana qayb qaatay culuumta kala duwan ee
diinta, muftiga Al Shaaficiyah ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Muusacada\‫ الوسعة‬Wikipedia waxay intaas ku dartay: faqiih iyo sheekha culummada Al
Xijaaz\‫ الحجاز‬ee zamankiisa oo ahaa dhammaadka khilaafada Cuthmaaniyiinta. Waxaa lagu
yaqiinnay duriddiisa xoogga badan iyo diidmadiisa wahaabiyada wuxuuna u liicay xagga
suufinnimada. Wuxuu ku dhashay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬sanadka 1231H/1816M
ayaduuna ku koray oo wax ku bartay wuxuuna ku dhintay Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬1304H/1886M. Reerkiisa Daxlaan waxaa Makkah looga yaqaannaa guri cilmi iyo diin iyo
aqoon waxaana lagu yaqaanna akhlaaqdooda sarreysa, siday dadka ugu jajaban yihiin iyo
naxariistooda, jihaad iyo kifaax iyo cahdi fulin, iyo cafin markay dadka la dhaqmayaan. Kutubbo
aad u fara badan ayuu dhigay, ayna Siirada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam ka mid tahay.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Markay wiilashiisu toban gaareen oo uu Ilaahay ishiisa ku qaboojiyay ayuu Cabdu Al Mudhdhalib\‫ عبد المطلب‬habeen Kacbada la daahiriyay agteeda seexday, markaasuu isagoo hurda
wuxuu arkay mid ku leh:
“Cabdu Al Mudh-dhalibow\‫ !ياعبد المطلب‬Oofi natharkaad u gashay Rabbiga Gurigaan.”
Markaasuu hurdada kasoo kacay isagoo naxsan oo baqaya. Markaasuu wan wayn gawracay oo
uu fuqarada iyo masaakiinta quudiyay.
Kaddibna wuu seexday markaasuu hadana isagoo hurda mid arkay ku leh:
“wax kaas ka wayn qurbahaan ahaan u bixi.”
Markaasuu hurdada kasoo kacay oo uu markaas dibi qurbaan ahaan u bixiyay.
Kaddibna wuu seexday markasuu riyada wuxuu ku arkay mid ke leh:
“mid kaas ka wayn qurbaan ahaan u bixi.”
Markaasuu rati qurbaan ahaan u bixiyay oo uu masaakiinta iyo fuqaradaba quudiyay.
Markaasuu seexday oo uu isagoo hurda mid u yimid, kuna yiri:
“mid kaas ka wayn qurbaan ahaan u bixi.”
Markaasuu wuxuu yiri:
“maxaana kaas ka wayn?”
Wuxuu yiri:
“waxaad qurbaan ahaan u bixisaa mid wiilashaada ka mid ah sidaad u nathartay.”
Markaasuu wiilashiisa shiriyay uguna yeeray inay natharkaas oofiyaan.
Waxay ku yiraahdeen:
“annagu waa ku adeeceynnaa ee keennee baad dooneysaa inaad gawracdid?” Waa intaas warka
Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬.
50
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wiilashiisu codsigiisaas ah in natharkiisa la oofiyo way ka
yeeleen, waxayna yiraahdeen:
"Maxaad dooneysaa inaan hadaba sameynno?"
Wuxuu yiri:
"Mid kasta oo adinka idinka mid ahi qori ha soo qaato oo magaciisa ha ku dhigo, kaddibna ii
wada imaada."
Markaasey qoryihii magacdooda ku wada dhigeen, oo uu mid walba magaciisa hal qori ku
dhigay. Qoryahaasi waxay le'egyihiin fallaar, aanse bir iyo baal toona lahayn. Markaasey ayagoo
qoryaha wata u wada yimaadeen.
Markaasuu inta waday wuxuu la galay Kacbada dhexdeeda, meeshuu yiillay sanamka Hubal, oo
yiillay dusha god kanziga Kacbada loo hadiyeeyo lagu uruurin jiray. Hubal waxaa ag yiillay
toddoba qadax, oo ah qorigaas fallaarta oo kale ah, aanse bir iyo baal toona lahayn, oo lagu qori
tuuran jiray.
Mid walba oo toddobadaas qori ka mid ah waxbaa ku dhignaa. Qori waxaa ku qornaa Al
Caqlu/‫العقل‬, oo diyada ah, oo hadday isku khilaafan qofka diyada xambaaraya oo bixinaya
toddobada qori ayay ugu qori tuuri jireen, oo qofkuu qoriga diyadu ku dhigantahay usoo baxo
ayaa diyada bixin jiray.
Qori labaad waxaa ku dhignaa Nacam/‫نعم‬, oo ah haa. Markay doonayaan inay arrin ku kacaan,
way u qori tuuran jireen, oo hadduu soo baxo qorigay haa ku dhigantahay, arrinkaas way ku
dhaqaaqi jireen.
Qori saddexaad waxaa ku dhignaa Laa/‫ال‬, oo ah maya, oo markay doonayaan arrin inay ku
kacaan way u qori tuuran jireen, oo hadduu soo baxo qoriga ay maya ku dhigantahay, arrinkaas
way ka hari jireen oo kuma ay dhaqaaqi jirin.
Qoriga afaraad waxaa ku dhignaa Minkum/‫منكم‬, oo ah qofkaasi adinkuu idinka dhashay.
Qoriga shanaad waxaa ku dhignayd Mulsaqun/‫ملصق‬, oo macneheedu yahay waa qof aan adinka
dhiig ahaan idinka dhalan, idinkuse lammaansan oo idinku dheggan.
Qoriga lixaad waxaa ku dhignaa Min ghayrikum/‫من غيركم‬, oo macneheedu yahay qofkaasi cid
kale ayuu u dhashay oo adinka idin kama dhalan.
Qoriga toddobaad waxaa ku dhignayd Al miyaahu/‫المياه‬, oo macneheedu yahay biyaha, oo
markay damcaan inay ceel biyood qodaan, ayay u qori tuuri jireen. Hadba qoriga soo baxa ayay
waxa ku dhigan ku dhaqmi jireen.
Marka, markay doonaan inay wiil gudaan, ama nikaax la gunto oo la sameeyo, ama inay mayd
duugaan, ama qof ayaga ka mid ah nasabkiisa ay ka shakiyaan, waxay la aadi jireen Hubal
ayagoo boqol dirham sita iyo geel, oo ay siiyaan faaliyaha qori tuurka sameeya. Markaasey
waxay dhoweyn jireen qofkay wadeen oo arrinku ku socday, waxayna yiraahdaan:
"Ilaahayow, kani waa hebel hebel oo aan la doonaynno sidaas iyo sidaas, marka xaqqa kusoo
saar oo muuji." Kaddibna faaliyahay waxay ku yiraahdaan: "Qori tuur."
Hadduu soo baxo qorigay ku dhigantahay minkum/‫منكم‬, wuxuu noqdaa nin tolkaas ka dhashay oo
ka tirsan. Hadduu soo baxo min ghayrikum/‫ من غيركم‬wuxuu noqonayaa nin xaliif/‫ حيلف‬ah oo axdi
ku jooga, aanse ayaga ka dhalan.
Hadduu kusoo baxo mulsaqun/‫ملصق‬, sidiisuu ahaadaa oo nasab ma laha, axdina ma laha. Hadduu
qori kale usoo baxo, oo qoryaha ay ku dhaqmaan ah, sida qorigay ku dhigantahay haa, way ku
51
dhaqaaqaan arrinkaas. Haddayse usoo baxdo maya, sanadkaas kuma kacaan arrinkaas oo dib
ayay u dhigaan, ilaa ay mar kale ugu yimaadaan faaliyaha.
Umuurtooda oo idil sidaas ayay qori tuur ku maamulayeen, wuxuu qorigu ku soo baxo ayayna ku
kacayeen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wuxuu ninka qori tuurka sameynaya ku yiri:
"Wiilashayda qoryahaan u tuur", wuxuuna u sheegay natharkuu nathray. Markaasuu nin walba
qorigiisa uu magaciisu ku dhiganyahay u dhiibay.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬waxay isku bah ahaayeen Abuu Dhaalib/‫ أبو طالب‬iyo Al Zubayr/‫الزبير‬,
hooyadoodna waxay ahayd Faadhimata bintu Camr bin Caa'ith bin Cabdi bin Cimraan bin
Makhzuum bin Yaqthata bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫فاطمة بنت عمرو‬
‫بن عائذ بن عبد بن عمران بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬, oo
Qurayshiyad ahayd.
Waxaa la sheegay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬caruurtiisa Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬ugu
jeclaa, wuxuuna arkay in hadduu qorigu isaga seego inuu si fiican yeelay, wiilkuna u
badbaadayo.
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬waa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, aabihiisa
dhalay.
Markuu faaliyuhu qoryaha qaatay, oo uu doonay inuu u qoryo tuuro, ayuu Cabdu Al Mudhdhalib/‫ عبد المطلب‬Hubal agtiisa istaagay isagoo Ilaahay baryaya.
Markaasuu faaliyihii u qoryo tuuray. Markaasuu qorigu wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi ‫عبد‬
‫هللا‬. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wiilkiisa Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬gacanta kusoo
dhegay, mindina uu soo qaatay, wuxuuna la aaday xagga labada sanam ee Isaaf iyo Naa'ilah ‫إساف‬
‫ونائلة‬, si uu u gawraco.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬naadiyadeedii ay fadhiday uga soo kacday, waxayna yiraahdeen:
"Cabdul Mudhalibow\‫يا عبد المطلب‬, maxaad dooneysaa?"
Wuxuu yiri:
"Waan gawracayaa."
Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
‫ هللا سبحانه‬waa diiday in Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬la
gawraco
Markaasey Quraysh\‫ قريش‬iyo wiilashiisa kale waxay yiraahdeen:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaadan waligaa gawracayn, jeer aad cudurdaar u raadisid, oo haddaad
gawracdid nin walba (intuu adiga kugu daydo) wuxuu soo wadan doonaa wiilkiisa si uu
gawraco. Hadday sidaas yeelaanna dadka wax ka hari mayaan, taas kaddibna maxay nololi
noqoneysaa oo ay qiimaba leedahay?"
52
Markaasuu al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Camr bin Yaqthata‫المغيرة بن عبد هللا بن عمرو بن يقظة‬,
oo ay ina adeertiis ay isku reer yihiin ay Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬dhashay, oo sidaas Cabdu Allaahi
bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬abtigiis ah, wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬inaadan waligaa gawracayn, jeer aad cudurdaar uu ku badbaado u raadisid.
Markaad sidaas yeeshid hadday badbaadadiisu noqoto inaan maalkeenna ku furanno, waan ku
furanneynnaa."
Quraysh\‫ قريش‬iyo wiilashiisuna waxay ku yiraahdeen:
"Ha gawricin, ee waxaad la aaddaa Xijaaz/‫الحجاز‬, (oo ah arliga ay Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ المكرمة‬iyo Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku yaalliin), halkaasoo ay joogto haweeney
faaliso ah oo jiinni saaxiib la ah leh, oo markaas ayada weydii arrinkiisa. Markay kuu jawaabto
kaddib, taladaada adigaa iska leh oo gacantaadey ku jirtaa, oo hadday inaad gawracdid ku
amarto, gawrac, haddayse wax adiga dani kuugu jirto isagana faraj ugu jiro ku amartana ka
yeel."
Markaasey dhaqaaqeen oo ay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬yimaadeen, waxayse
ogaadeen inay faalisadii magaalada Khaybar/‫ خيبر‬joogto.
Al Qasdhlaaanii‫ \القسطالني‬wuxuu yiri:
“magaceeduna wuxuu ahaa Qubdhah\‫ قبطة‬siduu ugu wariyay Al Xaafith Cabdu Al Ghanii ‫الحافظ‬
\‫ عبد الغني‬kitaabkiisa “Al Mubhimaatu\"‫””المبهمات‬.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Ibnu Isxaaqna\‫ إبن إسحاق‬wuxuu ku wariyay riwaayada Yuunus\‫ يونس‬inuu magaceedu ahaa
Sajsaaj\‫سجساج‬.” Waa intaas warkoodu.
Markaasey soo safreen oo ay u yimaadeen, oo ay arrinkooda ka wareysteen. Cabdu Al Mudhdhalib/‫ عبد المطلب‬wuxuu uga warramay khabarkiisa iyo khabarka wiilkiisa, iyo wuxuu doonay
iyo natharkuu galay.
Markaasey waxay ku tiri:
"Maanta iga laabta, si markuu jiinniga i raacsan ii yimaado aan arrinkaan ka wareysto."
Markaasey agteeda kasoo keceen.
Markay soo bexeenna Cabdu bAl Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬intuu istaagay ayuu Ilaahay baryay.
Subixii dambe ayay kusoo jarmaadeen, markay u yimaadeenna waxay ku tiri:
"Khabarkii waa helay. Tolkiinna dhexdiisa diyada ninku waa meeqa?"
Waxay yiraahdeen:
"Waa toban halaad oo geel ah." Sidaas ayayna ahayd.
Waxay tiri:
"Beledkiinna ku noqda, markaas waxaad Ilaahiinna qurbaan ahaan ugu bandhigtaan
saaxiibkiinnaan (oo ah Cabdu Allaahi/‫ )عبد هللا‬iyo toban halaad oo geel ah. Markaas labadoodaas
u qori tuura. Hadduu qoriga saaxiibkiin soo baxo, geela toban halaad ku dara oo sidaas ku wada
ilaa uu Rabbigiin raalli ka noqdo (tirada geela oo ninka lagu furanayo). Hadduu qorigu geela
kusoo baxana saaxiibkiinna ku furta oo geela bireeya, maxaa yeelay Rabbigiin tiradaas ayuu
raalli ku noqday, saaxiibkiinna waa badbaaday."
53
Markaasey soo baxeen oo ay Makkah\‫ مكة‬kusoo laabteen. Markay inay taladaas ku dhaqaaqaan
isku raaceen, ayay Kacbada galeen, Cabdu Al Mudh-dhalibna/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Kaddib waxay qurbaan ahaan usoo bandhigeen Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬iyo toban halaad oo geel
ah, ayadoo uu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Hubal ag taaganyahay, uuna Ilaahay, Cazza wa
Jalla, baryayo. Markaasaa loo quri tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi /‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu labaatan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu soddon halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu afartan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu konton halaad noqday.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu lixdan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu toddobaatan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle Bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu siddeetan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu sagaashan halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬.
Markaasey geela toban halaad ku dareen oo uu boqol halaad noqday. Markaasuu Cabdu Al
Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay.
Markaasaa loo qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay geela. Markaasey Quraysh/‫ قريش‬iyo
intii kale oo goobjoog ahayd waxay yiraahdeen:
"Way dhammaatay oo Rabbigaa raalli ayuu noqday Cabdul Mudhalibow/‫يا عبد المطلب‬."
Waxay yiraahdeen inuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan yeeleyn jeer aan saddex goor u qori tuuro oo ay saddexdaba geela ku
dhacdo."
Markaasey Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬iyo geela u qori tureen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬Alle bari u istaagay. Markaasuu qorigu geela
kusoo baxay.
54
Markaasey mar saddexaad ku celiyeen, ayadoo uu intaas Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬
taagan yahay oo uu Ilaahay baryayo. Markaasuu qorigu geela kusoo baxay. Markaasaa boqolkaas
halaad oo geela ah la gawracay oo hilbohooda bannaanka la dhigay, ayadoo aan dad iyo
dugaagba laga celinayn oo aan laga reebeyn.
Ibnu Al Thabiixayni/‫إبن الذبيحين‬
Labadaas qiso, oo ah qisada Nabi Ismaaciil/‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, iyo qisada Cabdu Allaahi
bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, ayaa u sabab ah in Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, loogu yeeray "Ibnu al Thabiixayni /‫ " إبن الذبيحين‬oo macneheedu
yahay wiilka ay dhaleen labada aabbe oo la gawracay, kaddibna uu Ilaahay, Subxaanahu wa
Tacaalaa, labadoodiiba badbaadiyay.
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ku furtay wayn wayn, oo ah wanka
isaga dabadiis ay muslimiintu gawracaan subaxa Ciidu Al Adxaa/‫عيد األضحى‬. Wankaas Ismaaciil
lagu furtay, waxaa la yiri, waa wankii uu Haabiil/‫هابيل‬, ina Nabi Aadan/‫آدم‬, qurbaan ahaan
Rabbigiis ugu bandhigay, oo markaas intuu dab cirka kasoo degtay oo uu hareereeyey samada
kor ugu qaatay.
Wankaas meel ayaa lagu hayay qiyaas laba kun oo sano, oo Nabi Aadan /‫ آدم‬iyo Nabi
Ibraahiim/‫إبراهيم‬, Calayhimussalaamu, u dhexeysey. Markaas kaddib ayaa Malag Ilaahay soo
diray Nabi Ibraahiim/‫ إبراهيم‬u keenay oo uu Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ku furtay.
Waxaa sidaas lagu buriyay caadada xun oo zamankaas gaaladu lahaan jirtay oo ahayd inay
markay Ilaahay dambi dhaaf ka doonayaan, ama inuu raalli ka noqdo doonayaan, ama uu
muraadkooda ay leeyihiin uu siiyo, waxay u gawrici jireen qurbaan ahaan curadkooda
wiilashooda ugu weyn.
Markaasaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, dhaqankaas ka reebay, oo uu u
tilmaamay inayan ubadkooda diline, ay xoolo qurbaan ahaan Ilaahay ugu bixiyaan. Qurbaankaas
Haabiil\‫ هابيل‬ina Aadan\‫ آدم‬wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‫هللا سبحانه وتعالى‬, noogu
sheegay Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratul Maa'idah/‫سورة المائدة‬:
ِ َ ‫ق إِ ْذ قََّربا قُرب اانا فَتُقُب‬
ِّ ‫َد َم بِاْل َح‬
‫ال إَِّن َما‬
ْ ‫َحِد ِه َما َولَ ْم ُيتَقَب‬
َ َ‫ال ََلَ ْقتُلََّن َك ق‬
َ َ‫َّل ِم َن ْاْلَ َخ ِر ق‬
َ ‫َو ْات ُل َعلَ ْي ِه ْم َن َبأَ ْاب َن ْي آ‬
َ ‫ِّل م ْن أ‬
َْ َ
ِ
ِ َّ
)33( ‫ين‬
َ ‫َيتَقََّب ُل اللهُ م َن اْل ُمتَّق‬
"Watlu calayhim naba'a ibnay Aadama bil xaqqi ith qarrabaa qurbaanan fatuqubbila min
axadihimaa wa lam yutaqabbal mina al aakhari qaala la aqtulannaka qaala inamaa
yataqabbalu Allaahu minal Muttaqiina."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ku akhri korkooda warka labadii wiil ee ilmo Aadan\‫ آدم‬ahayd si run ah, markay qurbaan u
dhoweeyeen oo ay soo bandhigeen, midkoodna laga aqbalay, midkii kalena aan laga aqbalin,
uuna yiri: "waan ku dilayaa", kii kalena uu yiri: "Ilaahay wuxuu qurbaanka ka aqbalaa kuwa ka
baqa."
55
Qurbaanka Haabiil/‫هابيل‬, oo xoolo dhaqata ahaa, Ilaahayna aqbalay, wuxuu ahaan wanka
xoolihiisa ugu wayn, uguna buuran oo ugu fiican.
Qurbaanka Qaabiilna/‫قابيل‬, oo beeraaley ahaa, Ilaahayna uu diiday, wuxuu ahaa badarkiisa kii
ugu xumaa, oo Ilaahay waa fiican yahay, waxaan fiicnaynna ma aqbalo.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kore waa Nabi
Ismaaciil/‫إسماعيل‬, oo sidaas lagu furtay. Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‫هللا سبحانه وتعالى‬,
wuxuuna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis Cabdu Allaahi \‫ عبد هللا‬ku
badbaadiyay, oo lagu furtay boqol halaad oo geel ah, xukunkaasoo shareecada Islaamku sugtay,
ayadoo ay diyada ninka muslimka ahi boqol halaad oo gel ah tahay. Qisada Nabi Ismaaciil
Calayhissalaamu kor ayaan kusoo aragnay.
Riyada Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ee Geedka iyo Nuurka
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu habeen dambe ku riyooday riyo ka nixisay oo uu ka
baqay. Isagoo isaga laftiisu riyadaas ka warramayo wuxuu yiri:
‫"بينما أنا نائم في الحجر إذ رأيت رؤيا هالتني ففزعت منها فزعا شديدا فأتيت كاهنة قريش على مطرف‬
‫ "ما بال سيدنا‬:‫ فقالت‬،‫ فلما نظرت إلي عرفت في وجهي التغيير وأنا سيد قومي‬،‫خز وجمتي تضرب منكبي‬
‫ وكان اليكلمها أحد من الناس حتى‬،"‫ "بلى‬:‫قد أتانا متغير اللون هل رأيت من حدثات الدهر شيئا؟" فقلت‬
:‫ فجلست فقلت‬،‫يقبل بيدها اليمنى ثم يضع يده على أم رأسها ثم يذكر حاجته ولم أفعل ألني كنت كبير قومي‬
‫"إني رأيت الليلة وأنا نائم في الحجر كأن شجرة نبتت قد نال رأسها السماء وضربت بأغصانها المشرق‬
‫والمغرب وما رأيت نورا أزهر منها أعظم من نور الشمس سبعين ضعفا ورأيت العرب والعجم ساجدين لها‬
‫ ورأيت رهطا من قريش قد تعلقوا‬،‫ ساعة تخفى وساعة تزهر‬،‫وهي تزداد كل ساعة عظما ونورا وارتفاعا‬
‫ فإذا دنوا منها أخرهم شاب لم أر قط أحسن منه وجها وال‬،‫بأغصانها ورأيت قوما من قريش يريدون قطعها‬
‫ "لمن‬:‫ فرفعت يدي ألتناول منها نصيبا فمنعني الشاب فقلت‬،‫أطيب منه ريحا فيكسر أضلعهم ويقلع أعينهم‬
‫ فرأيت وجه‬،‫ فانتبهت مذعورا فزعا‬،"‫ "النصيب لهؤالء الذين تعلقوا بها وسبقوك إليها‬:‫النصيب؟" فقال‬
‫ " لئن صدقت رؤياك ليخرجن من صلبك رجل يملك المشرق والمغرب ويدين له‬:‫الكاهنة قد تغير ثم قال‬
‫ فكان أبو طالب يحدث بهذا الحديث والنبي‬:‫" قال‬.‫ "لعلك تكون هذا المولود‬:‫ ثم قال ألبي طالب‬."‫الناس‬
‫ "أال تؤمن‬:‫" فيقال له‬.‫ "(كانت الشجرة) وهللا أعلم أبا القاسم األمين‬:‫صلى هللا عليه وسلم قد خرج ويقول‬
".‫ "السبة والعار‬:‫به؟" فيقول‬
"Anigoo Xijriga hurda ayaan waxaan arkay riyo iga cabsiisay aanna cabsi iyo naxdin wayn ka
naxay. Markaasaan waxaan u imid kaahinadda Quraysh\‫ قريش‬anigoo go' xariirta khazzin\‫ خز‬la
yiraahdo (oo xariiraha ugu fiican) huwan, timahayguna ay taabanayaan oo garaacayaan
labadeyda garab.
Markaan u imid oo ay i fiirisay ayay waxay wajigayga ka garatay is beddel, anigoo markaasna
hoggaamiyaha tolkey ah. Markaasey waxay tiri:
"Maxaa ku dhacay sayyidkeenna oo noo yimid isagoo midabkiisu doorsoonyahay? Ma
waxyaalka zamannada dhaca aayaad aragtay?"
Waxaan ku iri:
56
"Haa", ayadana qofna lama uusan hadli jirin jeer uu gacanteeda midig dhunkado kaddibna uu
gacantiisana madaxa ka saaro. Markuu sidaas yeelo kaddib ayuu xaajadiisa sheegan jiray,
anigusa ma aanan yeelin, maxaa yeelay tolkey ayaan ugu waynaa oo madax u ahaa.
Markaasaan fariistay waxaanna iri:
"Xalay anigoo hurda waxaan arkay ayadoo uu dhabarkayga geed kasoo baxay, geedka
madaxiisuna uu cirka ku dheeganyahay, laamihiisuna ay qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhacba
gaareen, mana aanan arag nuur ka cad oo ka wayn oo ka cad nuurka qorraxda toddobaatan goor".
Wuxaanna arkay inay Carab iyo cajamba ay geedkaas u sujuudayaan, isagoo geedkaas ay saacad
walba u kordhayaan waynaan iyo nuur iyo kor u kicidba. Saacad kalena wuu muuqanayaa.
"Waxaanna arkay qabaa’il Quraysheed\‫ قريش‬oo laamaha geedkaas inta ku dhegay kasoo
laadlaada, iyo qabaa'il kale ee Quraysheed\‫ قريش‬oo doonaya inay geedkaas gooyaan.
Kuwaas doonaya inay gooyaan mar kasta oo ay geedka usoo dhowaadaanba waxaa qabtah nin
dhallinyaro ah aanan qof ka waji qurxoon hore u arag iyo qof ka carfoonba, markaasuu
dhabarrada ka jebiyaaa, indhahana kasoo bixiyaa.
Markaasaan geedkaas gacanteyda kor ugu taagay inaan aniguna geedkaas qabsado oo aan
sadkeyga ka qaato, waase gaari waayay. Markaasaan waxaan iri:
"Yaa sad ku leh?"
Wuxuuna yiri: "Sad waxaa ku leh kuwaas qabsaday oo ku dheggan oo adiga kaaga hormaray."
Markaasaan soo baraarugay oo hurdada kasoo kacay anigoo kurbaysan oo naxsan.
Markaasaan waxaan arkay wajiga kaahinadda oo is beddelay, kaddibna waxay tiri:
"Haddiii riyadaas run laguugu sheegay, waxaa dhabarkaaga kasoo bixi doonah nin bari iyo
galbeed hananaya, dadoo idilna uu u hoggaansamayo."
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu kaddib wiilkiisa Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri:
"Waxaa dhici karta inaad adigu ninkaas dhashay aad tahay."
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬qisadaas ayuu ka sheekeyn jiray kaddib markii Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la soo saaray, kaddibna wuxuu yiraahdaa:
"Geedkaasi waa Abaa Al Qaasim\‫أبا القاسم‬, Al Amiinu\‫األمين‬."
Waxaa sidaas wariyay Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬iyo Al Xaafith Abuu Numcaym Al Asbahaanii
‫ الحافظ أبو نعين األسبهاني‬oo dhintay sanadka afar boqol iyo soddon Hijriga, kuna wariyay kitaabkiisa
Dalaailu al Nubuwwah\‫دالئل النبوة‬, xadiithkiisa kow iyo konton ee Juzka koowaad.
Riyada Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
" Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu ku riyooday ayadoo ay silsilad qalin ah dhabarkiisa
kasoo baxday, oo ay darafina Samada ku jirto, darafta kalena ay arliga ku jirto, darafna ay qorrax
kasoo bax ku jirto, darafna qorrax u dhac.
57
Markaasey silsiladdu hadana geed noqotay, oo caleen walba ee geedku uu nuur leeyahay: nuur
aad u caddaan badan oo aad u iftiin badan, nuurka qorraxdana toddobaatan goor ka iftiin badan,
saacad walbana uu iftiinkeedu sii kordhayo, siina weynaanayo, siina kor marayo.
Markkasey dadka qorrax kasoo bax ku nool iyo kuwa qorrax u dhac ku noolna waxay ku
dheggan yihiin oo ay kasoo laadlaadaan geedkaas iyo caleemihiisa.
Markaasaan waxaan arkay Carabta iyo cajamta oo u sijuudsan. Waxaanna arkay rag
Quraysh\‫ قريش‬ah oo ayaguna ku dheggan oo geedkaan iyo caleemihiisa kasoo laadlaada, iyo rag
kale oo Quraysh\‫ قريش‬oo doonaya inay geedkaasba gooyaan: markayse usoo dhowaadaanba
waxaa qabta nin dhallin yar oo aanan arag qof ka waji qurxoon, kana caraf badan, markaasuu
dhabarradooda jebiyaa, indhahana kasoo bixiyaa.
Markaasaan gacanteyda sare kor ugu qaaday inaan geedkaas wax kasoo qaato, markaasaan gaari
waayay, waxaana la i yiri:
"Waxaa nasiibka iska leh kuwaa kasoo laadlaada."
Markaasuu riyaadaas faaliso Quraysh u\‫ قريش‬sheegay waxayna kuu fasirtay wiil isaga
dhabarkfisa ka dhalan doona oo ay dadka qorrax kasoo bax ku nool iyo kuwa qorrax u dhacba ay
raaci doonaan, ayna ku xamdin doonaan oo ay mahdin doonaan kuwa Samada ku nool iyo kuwa
arliga ku noolba."
Taas daraadeed ayuu Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu bixiyey.
Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬, waana Xadiithka shan iyo sideetanaad
ee kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬.
Labada Safar ee Quraysh\‫قريش‬
Qurayshi\‫ قريش‬waxay ahayd ganacsato, badeecadaha adduunka ka ganacsata, kuwa Bariga laga
keeno sida Hindiya iyo Shiinaha iyo dalalka dhinacaas ka jira; kuwa Galbeedka laga keeno sida
Masar iyo dalalka qorrax u dhaca ka xiga; kuwa Koofur laga keeno sida dalka Soomaaliya iyo
arliga Xabashada iyo Afrika iyo kuwa Waqooyiga laga keeno sida Shaam\‫الشام‬, Ciraaq\‫عراق‬,
Iiraan\‫ إيران‬iyo Yurub.
Qurayshi\‫ قريش‬waxay xilliga kulaylaha ganacsi ugu safri jirtay Waqooyiga, oo uu arligaas kulul
yahay, oo waxay mar walba isku beegi jireen xilliga uu dalkaasi uusan qaboobayn, uuse jawigu
diirran yahay. Xilliga qaboobahana waxay u safri jireen Koofur iyo dalka Yaman \‫يمن‬.
Yaman\‫ يمن‬waxay kasoo gadan jireen, gaar ahaan magaalada Cadan\‫عدن‬, badeecadaha laga keeno
dalalka Bariga ee Hindiya, Shiinaha iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya iyo Afrika.
Markaasey intii looga baahan yahayna waxay kusii gadi jireen Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫المكرمة‬, inta kalena waxay ganacsi u gayn jireen dalalka Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga, sida
Masar, Yurub, Shaam, Ciraaq, Iiraan, iwm.
Cadan\‫ عدن‬waxay weligeed ahaaan jirtay xarun badeecadaha Carabta, Afrika iyo Aasiya lagu
kala gaddisto.
Waagaas Yurub waxba ma ayan ahayn, oo xadaarad, iyo warshado iyo cilmi iyo badeecado la
gato midna ma lahayn.
58
Safarrada Quraysheed\‫ قريش‬waxaa loo agaasimi jiray si heer sare ah, waxayna madaxdoodu u
maareyn jireen sidatan: qofka reer Makkah\‫ مكة‬ah, iyo Dhaa'ifba/‫الطائف‬, oo doonaya inuu
safarkaas ka qayb galo oo ganacsado, wuxuu lacag ama badeecadda uu doonayo inuu ka
ganacsado u dhiibi jiray hoggaamiyaha Safarkaas, oo ma ayan ahayn laga maarmaan inuu isaga
laftiisu socdaalo oo uu Safarkaas raaco.
Badeecadaha ay reer Makkah\‫ مكة‬dalalka kale u iib gayn jireen waxaa ka mid ahaa dahabka iyo
qalinka oo arligooda ilaa maanta aad ugu badan, oo buuro dhan oo dahab iyo qalin ah ayaa ku
yaalla.
Waxay sidoo kale ka ganacsan jireen haragaha iyo saamaha iyo badeecado ay dalal kale ka
keeneen. Mar walba waxaa safarkaas hoggaamin jirey nin madaxdooda ka mid ah.
Badeecadahaas waxaa la saari jiray oo lagu rari jiray awr, ayadoo uu geelu ahaa gaadiidka
waagaas. Waxaa garawaantaas lagu dari jiray, oo burcadda iyo tuugada dariiqyada u istaagta ka
ilaalin jiray rag hubaysan oo qabaa’il kale laga soo ijaartay, shaqadooduna ayba ahayd ilaalinta
garawaanta.
Waxaa kaloo raaci jiray ragga reer Makkah\‫ مكة‬oo markaas safarkaas ka qayb gelaya. Safar
walba wuxuu ka koobnaa boqollaalo ama kumannaan rati oo raran iyo boqollaalo rag ah oo
hubaysan.
Haashim iyo labada safar ee Quraysh\‫قريش‬
Labadaas Safar waxaa bilaabay, oo jideeyey Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiisa labaad Haashin bin Cabdi Manaaf/‫هاشم بن عبد مناف‬.
Ilahayna, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, wuxuuba labadaas Safar kusoo dejiyay
Suurad Quraanka Kariimka ah ka mid ah oo Suuratu Quraysh/‫ سورة قريش‬ah, uuna Cazza wa Jalla
\‫ عزوجل‬ku yiri:
ِ ‫َّي‬
ِ َ‫الشت‬
ِ ‫يًل‬
ِّ َ‫يًل ِف ِهم ِر ْحلَة‬
ِ
ٍ ‫ف قَُرْي‬
َّ ‫) َفْل َي ْعُب ُدوا َر‬3( ‫ف‬
)2( ‫ب َه َذا اْل َب ْي ِت‬
َ ‫ ِِِل‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ْ ‫اء َوالص‬
ْ َ ‫) إ‬2( ‫ش‬
ٍ ‫طعمهم ِمن جوٍع وآَم َنهم ِمن َخو‬
َِّ
".)5( ‫ف‬
ْ ْ ْ ُ َ َ ُ ْ ْ ُ َ َ ْ َ‫الذي أ‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Li iilaafi Qurayshin(1)Iilaafihim rixlata al shshitaa'i wa al ssayfi(2)Fal yacbuduu Rabba haathaa Al Bayti(3) Allathii adhcamahum min
juucin wa aamanahum min khawfin(4)."
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rrxiimi. (Nicmadeyda aan ugu nicmeeyey) Quraysh oo ah
caadeysigooda ay jideysteen(1)Ay ka caado yeesheen Safarka Xagaaga iyo Jiilaaka darteed(2)Ee
ha caabudaan Rabbiga Baytkaan (oo yeeyan caabudin asnaam aan u nicmayn)(3)Ahna Rabbiga
ka quudiyay gaajo, kana aamin geliyay cabsi(4)".
Haashim\‫ هاشم‬magaciisu waa Camr bin Cabdi Manaaf\‫عمرو بن عبد مناف‬
Awoowaha labaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Haashim bin
Cabdi Manaaf bin Qusayyi\‫هاشم بن عبد مناف بن قصي‬.
59
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬wuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Caatikatu bintu Murrata bin
Hilaal bin Faalij bin Thakwaan (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah) ‫عاتكة بنت مرة‬
\‫بن هالل بن فالج بن ذكوان‬, markaasey waxay u dhashay labo wiil oo mataano ah, oo la kala bixiyay
Camr\‫( عمرو‬oo ah Haashim\‫ )هاشم‬iyo Cabdu Shams‫عبد شمس‬.
Markay labadaas wiil dhalanayeen cagta Haashim\‫هاشم‬, oo soo horreeyey, ayaa waxay ku
dhegganayd wajiga Cabdu Shams\‫عبد شمس‬. Markaasaa takhtar loo keenay mindi ku kala fujiyay,
halkaasoo uu labadooduba dhiig ka baxay. Markaasey waxay dadkii yiraahdeen, oo ay hoos ugu
nuunaaseen:
"Wiilashadooda ayaa dhiig dhex mari doonaa."
Magaca Haashim\‫ هاشم‬waa koofaar waa dambe loo bixin doono, magaciisuse waa Camr\‫ عمرو‬.
Magaca Camr‫ عمرو‬afar macne ayuu leeyahay oo lagu sheegay, oo kala ah: (Kow) Cumriga
qofka, oo ah intuu adduunkaan ku noolyahay, ninkana loogu bixiyo yididiilo laga qabo inuu
waaro oo uu wax badan noolaado, (Laba) Hilibka cirridka la xiriira oo labadii iligba dhexdooda
ku yaalla, (Saddex) Darafta ama afka gacanta khamiiska ama shaatiga, (Afar) Dhegaha dahab
ama wax kale ka samaysan oo dhegaha qurux raadin loo gashado. Macne shanaadna waa timirta
sonkorta badan oo macaan.
Camr bin Cabdi Manaaf\‫ عمرو بن عبد مناف‬wuxuu koray isagoo uu wajigiisa nuur ka kaahayo,
oo qofkii arkaba soo jiidanaya.
Markuu waynaaday, Camr\‫ عمرو‬wuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Qaylata bintu
Caamir bin Maalik Al Khuzaacii\‫قيلة بنت عامر بن مالك الخزاعي‬, waxayna u dhashay wiil loo
bixiyay Asad\‫أسد‬.
Waxaa waqtigaas Quraysh\‫ قريش‬haleeshay jiilaal adag iyo gaajo, markaasuu ninkii caruurtiisa
wuxuu siiyo u waaya, gurigiisa ayuu hoosta ka soo xiran jiray, halkaas ayayna ku jiri jireen ilaa
ay gaajo uga dhintaan, fogaansho ay ka fogaanayaa inay dad baryaan oo ay wax ha nala siiyo
yiraahdaan. Ficilkaasna waxaa la oran jiray Al Ictiqaadu\‫اإلعتقاد‬.
Asad bin Haashim\‫ أسد بن هاشم‬wuxuu lahaa wiil ay isku fac yihiin oo ay saaxiibna yihiin oo reer
Banii Makhzuum‫ بني مخزوم‬u dhashay, uuna jeclaa, ayna wada cayaari jireen.
Markaasuu Asad\‫ أسد‬maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay saaxiibkiis oo ooyaya.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Maxaa kaa boohinaya?"
Saaxiibkiis wuxuu ku yiri:
"Waxaan dooneynnaa inaad ictiqaadno."
Markaasuu Asad\‫ أسد‬intuu naxay oo uu cabsaday, oo uu arkay saaxiibkiis oo gaajo u dhimanaya,
ayuu soo orday oo uu hooyadiis u yimid, isagoo isaga laftiisu ooyaya. Markaasey weydiisay oo
waxay tiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Wuxuu yiri:
"Saaxiibkeyga reer Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬reerkiisa ayaa doonaya inay ictiqaadaan."
60
Markaasey hooyadiis waxay u dhiibtay bur iyo subag, kuwaasoo ay ayaamo ku noolaayeen.
Markaasuu Asad\‫ أسد‬, hadana, maalin kale saaxiibkiis oo ooyaya arkay, wuxuuna ku yiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Saaxiibkiis wuxuu yiri:
"Reerkeyga ayaa doonaya inay ictiqaadaan."
Markaasuu Asad\‫ أسد‬aabihiis Camr\‫ عمرو‬u yimid oo uu u sheegay dhibaatada iyo gaajada uu
dadku qabo. Markaasuu Camr\‫ عمرو‬soo kacay oo uu Quraysh\‫ قريش‬inta shiriyay u khudbeeyey,
wuxuuna yiri:
"Qurayshay\‫ قريش‬waxaa idinku dhacday abaar xun oo idin laysay, idinna dullaysay, adinkoo ah
ehelka Xaramka Ilaahay iyo kuwa u sharaf badan intuu Aadan dhalay, dadkoo idilna adinkay
idin raacsan yihiin oo ay idinka dambeeyaan."
Waxay yiraahdeen:
"Annaguna adigaan ku raacsannahay oo aan kaa dambeynnaa, taasoo ayan labana isku
khilaafsanayn."
Markaasuu wuxuu u qorsheeyey oo uu u jideeyey labada Rixlo ama Safar: Rixlata Al Shitaa'i ‫رحلة‬
‫( الشتاء‬Safarka Gu'ga ama qaboobaha) oo ay Yaman\‫ يمن‬iyo xagga Koofur (iyo arliga xabashada)
ganacsiga ugu safraan, iyo Rixlata Al Sayfi\‫( رحلة الصيف‬waa saad), oo ah Safarka Jilaalka oo ay
xagga Waqooyi (Shaam\‫الشام‬, iyo Ciraaq\‫ عراق‬iyo Iiraan\‫ إيران‬iyo Masar\‫ )مصر‬ganacsi ugu
safraan.
Haashim\‫ هاشم‬wuxuu faaiidada ganacsiga si siman ugu qaybin jiray hodanka iyo
saboolkaba
Camr\‫ عمرو‬faa'iidada ganacsigaas laga helo wuxuu ugu wada qaybin jiray kuwa hodanka ah iyo
kuwa saboolka ahba si siman.
Heshiisyada ganacsi ee afarta ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬iyo afarta boqor
Camr\‫ عمرو‬wuxuu Heshiis Saaxiibtinnimo iyo Nabadgelyo iyo Ganacsi la galay Boqorka Shaam
oo la isku yiraahdo dalalka hadda la kala yiraahdo Siiriya\‫ سوريا‬iyo Falasdhiin\‫فلسطين‬, iyo
Urdun\‫ أردن‬iyo Lubnaan\‫لبنان‬, oo ay Dimishiq\‫( دمشق‬magacaasna loogu bixiyay ayadoo uu degay
ninka la yiraahdo Dimishiqu bin Namruuth\‫الدمشق بن نمروذ‬, oo ah wiilkuu dhalay boqorkii gaalka
ahaa ee Baabil\‫ بابل‬oo Nabi Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu dabka ku tuuray, oo intuu
islaamay Nabiga soo raacay markuu arliga Ciraaq\‫ عراق‬kasoo baxay, oo markuu Nabigu
magaaladaas Dimishiq\‫ دمشق‬furtay oo ay islaantay, isagu halkaas degey, oo magaaladiiba isaga
loogu magac daray. Runtana Rabbi ayaa og) caasimadda u ahayd, inta kalena ay gobollo u
ahaayeen. Warkaanna waxaan kasoo qaadannay Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Camr walaalkiis Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf\‫ عبد شمس بن عبد مناف‬wuxuu heshiis midkaas la
mid ah la galay boqorka xabashada Al Najaashiyyi\‫النجاشي‬.
Walaalkiis labaad oo ahaa Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\‫ المطلب بن عبد مناف‬wuxuu
heshiiskaas oo kale la galay Boqorka Ximyar\‫ حمير‬ee Yaman\‫يمن‬.
61
Walaakiisa saddexaad oo ahaa Nawfal bin Cabdi Manaaf\‫ نوفل بن عبد مناف‬wuxuu isaguna heshiis
midkaas la mid la galay Boqorka Ciraaq\‫ عراق‬iyo Iiraan\‫إيران‬.
Markaasaa waxaa afartaas nin oo walaalaha ah oo ilmo Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬ah loogu yeeray
"Al Tujjaaru\‫ "التجار‬oo ah ganacsatada.
Markaasey Qurayshi afartaas nin oo ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬ah ku lug darsatay, oo ay
ganacsi iyo nolol cusub galeen oo heleen. Ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬aad ayaa Makkata Al
Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬looga jeclaaday, makaankooduna uu ku waynaaday. Waaba ayada uu
gabayaagu yiri:
.‫يا أيها الرجل المحل رحله\هال نزلت بآل عبد مناف‬
.‫اآلخذون العهد من آفاقها\والراحلون لرحلة اإليالف‬
.‫والرائشون ولبس يوجد رائش\والقائلون هلم لألضياف‬
.‫والخالطون غنيهم بفقيرهم\حتى يصير غنيهم كالكاف‬
"1. Yaa ayyuhaa al rajulu al muxillu raxlahu
Halaa nazalta bi Aali Cabdi Manaafi.
2. Al Aakhithuuna al cahda min aafaaqihaa
Wa al raaxiluuna li rixlati al iilaafi.
3. Wa al raa'ishuuna wa laysa yuujadu raa'ishu
Wa al qaa'iluuna halumma lil adyaafi.
4. Wa al khaalidhuuna ghaniyyahum bi faqiirihim
Xattaa yasiira ghaniyyuhum ka al kaafi."
Gabayga macnihiisa waxaa weeye:
"1. Ninyahow (musaafirka ah oo) alaabtiisa ratiga kasoo dejinayow
Maad ku degtid reer Aali Cabdi Manaaf.
2. Waana kuwa heshiisyada adduunka la soo galay
Una safra Safarka heshiiska lagu galay oo la caadeystay.
3. Waana kuwa dadka biyaha waraabiya ayadoo uusan waraabiye jirin
Waana kuwa yiraahda: kaalaya aan martida u tagnee.
4. Waana kuwa hodankooda iyo saboolka isku dheeha
Ilaa uu hodankoodu uu sida midka in ku filan haysta oo kale noqdo.
Safarka Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬ee Yaman\‫يمن‬
Marka sanad walba bisha Rajab/‫ رجب‬la gaaro, Safarka ganacsiga ee Quraysheed \‫ قريش‬wuxuu u
socdaali jiray magaalada Cadan/‫ عدن‬ee dalka Yaman/‫يمن‬, halkaasoo ay ayaamo bisha
Ramadaan/‫ رمضان‬ka mid ah ku sugnaan jireen. Waxay Cadan\‫ عدن‬ka gadan jireen badeecadaha
laga ganacsado iyo cadarrada iyo udugyada ay ka mid yihiin luubaanta iyo fooxa iyo harag
shabeelka iyo foolka maroodiga oo Soomaaliya laga keeni jiray.
Mudadaas kaddibna wuxuu safarku u guuri jiray Sanca/‫صنعاء‬, halkaasoo ay nuska dambe ee
bisha Ramadaan joogi jireen iyo ilaa ay bishu ka dhammaato. Nabi Muaxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu jeclaan jiray inuu
62
Safarkaas Yamaneed\‫ يمن‬hoggaamiyo, maxaa yeelay wuxuu dalkaas ku lahaa saaxiibbo ka mid
ahaa madaxda dalkaas.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬sanadkaas isku diyaarisay Safarkii ay Yaman\‫ يمن‬ku aadi lahayd.
Safarkaasu wuxuu ka koobnaa laba kun oo rati iyo saddex boqol oo nin. Markaasey Cadan \‫عدن‬
tageen, oo ay xaajadooda ka guteen, kaddibna ay u gudbeen oo ay tageen Sanca\‫صنعاء‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu ku degay nin madaxda reer Yaman\‫ يمن‬ka mid ah oo
saaxiibkiis ahaa, wuxuuna guriga ninkaas kula kulmay nin caalin ah oo kutubbadii hore
yaqiinnay, sida Tawraadda\‫ التورات‬Nabi Muuse\‫موسى‬, Calayhissallaamu, lagu soo dejiyay iyo
Injiilka\‫ اإلنجيل‬Nabi Ciise ina Maryama\‫عيسى إبن مريم‬, Calayhissalaamu, lagu soo dejiyay.
Markaasuu caalinkaasu wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Yaad tahay?"
Wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬yiri:
"Reer Banii Haashim\‫بني هلشم‬."
Wuxuu ninkii yiri:
"Ma ii oggolaanaysaa inaan jirkaaga arkoo fiiriyo?"
Wuxuu yiri:
"Haa, intaan cawro ahayn."
Markaasuu caalinkaasi daloolka sanka Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬intuu furay qiyaasay
oo cabbiray. Kaddibna daloolka labaad sidoo kale u furay oo cabbiray. Intaas kaddib ayuu
wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Waxaan markhaati ka ahay inay labadaada gacnood ay midna ku jirto Boqortooyo, midda
kalena Nabinnimo."
Markaasuu ninkii cabbaar aamusnaa, kaddibna uu yiri:
"Waxaan u jeedaa inay labadaasba ay ku jiraan reer Banii Zuhrata/‫( بني زهرة‬oo ah reerka
Quraysheed\‫ قريش‬ee Aaminatu bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, hooyadiis), ee sideebey sidaas ku noqotay?" Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬wuxuu yiri:
"Ma ogsooni."
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬intuu Makkah\‫ مكة‬kusoo socdayba wuxuu ka fakarayey
wixii uu caalinkaasi ku yiri oo ahayd inay labadiisa gacnood ay midna Boqortooyo ku jirto,
midda kalena Nabinnimo, labadooduna ay ku sugan yihiin reer Banii Zuhrata\‫بني زهرة‬.
Markaasuu wuxuu soo xusuustay khabarkii Makkah\‫ مكة‬ku faafay ee kaahinadda Quraysh\‫قريش‬
oo magaceedu ahaa Sawdah.\‫سودة‬
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu Yaman\‫ يمن‬kasoo laabtay intuu dariiqa kusoo jiray
aad ayuu uga fakaray wuxuu ninkii caalinka ahaa ku yiri, iyo waxyaalkay kuwa faaliya isaga
hortiis odoroseen. Kuhaantaas waxaaa ka mid ahaa Sawdata‫سودة‬, Wahab\‫ وهب‬eedadiss, ahaydna
kaahinadda Quraysh\‫ قريش‬oo odorostay inay Aaminah\‫ آمنة‬Nathiir\‫ نذير‬dhali doonto.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
wuxuu is yiri in hadduu wiilkiisa Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬Aaminatu bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬u guuriyo waxaa dhaboobeysa bishaaradii
63
caalinkii reer Yamaneed\‫يمن‬, oo sidaasaa Nabinnimo ku imaaneysaa, isagoo Nabinnimo waxay
tahay si fiican u ogaa, isagoo intuu hooyadiis Salmaa bintu Camr al Khazrajiyyata ‫سلمى بنت عمرو‬
‫ الخزرجية‬Al Madiinah\‫ المدينة‬kula noolaa uu yuhuudda magaaladaas deggan qisooyinka Anbiyada
ayagoo ka sheekeynaya maqli jiray intuu kurayga ahaa.
Wuxuuse arki waayey siday Makkah\‫ مكة‬Boqor u yeelan karto, ayadoo uusan weligeed Boqor u
talin, oo ay hoggaamiyayaakooda iyo odayadoodu wadajir u dejiyaan maamulkeeda.
Guurka Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ee Aaminah\‫آمنة‬
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wuxuu go'aansaday inuu wiilkiisa Cabdu
Allaahina/‫ عبد هللا‬u guuriyo Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬, isaga laftiisuna uu reerkaas
Banii Zuhrata ka guursado, uuna guursado Haalata bintu Wuhayb/‫هالة بنت وهيب‬, uuna dhalay
Wahab‫ وهب‬walaalkiis Wuhayb/‫وهيب‬, waaba intaasoo, ayuu is yiri, ay labadii arrimoodba oo uu
caalinkii Yamaneed sheegay dhaboobaane.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu safarkiisa Yamaneed\‫ يمن‬kasoo laabtay oo uu
Makkah\‫ مكة‬yimid ayuu wuxuu ku riyooday isagoo la amrayo inuu natharkuu galay oofiyo,
natharkaasoo ahaa in haddii la siiyo toban wiil oo gaara da'da hub qaadidda, inuu midkood
gawrici doono.
Waxaa riyadaan lagu yiri:
"Gawrac wiilkaad nathartay inaad gawrici doontid."
Markaasuu arrinkaas ku kacay, sidaan hore ayadoo tifaftiran uga soo warrannay, Ilayhayna,
Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, uu wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis badbaadiyay oo uu boqol halaad oo geel
ah ku furtay.
Markii geelaas la qalay, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬, wuxuu ergo u diray
hoggaamiyaha reer Banii Zuhrata, magaciisuna yahay Wahab bin Cabdu Manaaf bin Zuhrata bin
Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫وهب بن عبد مناف بن زهرة بن كالب بن مرة‬
‫ بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Farriinta ay ergadaasi siday waxay ahayd inuu hoggaamiyaha Quraysheed\‫ قريش‬Cabdu Al
Mudh-dhalib bin Haashim\‫ عبد المطلب بن هاشم‬uu u imaan doono, uuna ka doonayo gabadhiisa
Aaminatu bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, uuna uu u doonayo wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬.
Markay ergadii dhambaalkaas Wahab\‫ وهب‬gaarsiiyeen, ayay haweentiisu gabadheeda
Aaminah\‫ آمنة‬khabarkaas bishaarada ah u sheegtay.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagaa ugu sharaf badan oo ugu sarreeya
oo ugu laan dheereysan intuu Aadan\‫ آدم‬dhalay, nasab ahaanna ugu laan dheereysan xagga
aabihiis iyo xagga hooyadiisba."
Hooyadeed waxay Aaminah\‫ أمنة‬ku tiri:
64
"Waxaa soo socda Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬oo doonaya inuu Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
kuu guuriyo."
Intay Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬usoo socdeen
gurayaha Wahab\‫ وهب‬iyo reer Banii Zuhrata\‫بني زهرة‬, ayadoo ay qabaa'ilka Quraysheed intooda
badan uu qabiil walba xaafadeeda u goonida ah ay Makkah\‫ مكة‬ka degi jireen, ayaa waxaa
Kacbada agteeda Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬kula hadashay gabar Quraysh\‫ قريش‬ah magaceeduna
yahay Ruqayyatu bintu Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayyi bin Kilaab bin
Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr oo ninka Quraysh la yiraahdo ah ‫رقية بنت نوفل بن‬
‫أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬, koofaarteeduna tahay Ummu
Qitaal/‫أم قتال‬.
Gabadhaasu waxay la dhalatay Waraqah bin Nawfal /‫ورقة بن نوفل‬, kaasoo ay ilmo adeer yihiin
Ummu Al Mu'miniina Khadiijata bin Khuwaylid bin Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayyi ‫أم‬
‫المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Caleyhi Wasallam.
Waraqah\‫ ورقة‬wuxuu ahaa caalin Kutubbadii hore ee Tawraadda\‫ التورات‬iyo Injiilka\‫اإلنجيل‬
yaqiinnay, walaashiis Ruqayyata-na\‫ رقية‬isaga waxay ka maqli jirtay inuu ummaddaan u ahaan
doono Nabi ubadka Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ka mid ah.
Ruqayyata\‫ رقية‬markay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wajigiisa si fiican ugu fiirsatay ayay waxay ku
tiri:
"Xaggeebaad u socotaa Cabdu Allaahiyow\‫"? عبد هللا‬
Wuxuu yiri:
".‫"مع أبي‬
"Aabehey ayaan la socdaa."
Waxay markaas ku tiri:
"Haddaad haddeer ila gogol gashid waxaad leedahay tiro geel ah oo la mid ah geela inta lagugu
furtay la qalay."
Wuxuu yiri:
".‫ وال أستطيع خالفه‬،‫"أنا مع أبي‬
"Aaabehey ayaan la socdaa, kamana aan tegi karo." Tix gabay ahna meeshii ayuu ku tiriyay,
uuna ugu sheegayo inuusan xaaraan doonayn, wuxuuna yiri:
‫والحل اليحل فاستبينها‬/‫أما الحرام فالحمام دونه‬
‫يحمي الكريم عرضه ودينه؟‬/‫فكيف باالمر الذي تبغينه‬
1. Ammaa al xaraamu fal ximaamu duunahu
wa al xillu laa xilla fa astabiinahu
2. Fa kayfa bi al amri allathii tabghiinahu
yaxmii al kariimu cirdahu wa diinahu?
65
Labadaas tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Xaaraantana waxaan ka xigaa geeri
xalaalna iima ihid aan kugu banneysto
2. Arrinkaan aad dooneysidna hadduu falo/ Sideebuu nin gob ahi sharftiisa iyo diintiisaba u
dhawrsan karaa?
Sidaas ayuusan Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬aabihiis uga harinoo uu u raacay.
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu juzka koowaad ee kitaabkiisa Dalaa’ilu Al Nubuwwati \‫دالئل النبوة‬
bogga toddoba iyo sideetan ku yiri:
“Cabdu Allaahi‫ عبد الل‬wuxuu ahaa qofka Quraysh\‫ قريش‬lagu arkay oo ugu qurxoon.
Markaasuu maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu soo ag maray haween Quraysh \‫ قريش‬ah oo
meel ku shirsan, markaasay mid ayagaas ka mid ahi waxay tiri:
“dumarka Qurayshay\‫قريش‬, middiinnee ninkaan guursanaysa oo markaas soo ugaarsanaysa
(qaadanaysa) nuurka labadiisa indhood dhexdooda ku yaalla?”
Labadiisa indhood dhexdooda nuur ayaa ku yaalla.
Wuxuu yiri:
“markaasaa waxaa guursatay Aaminah bintu Wahab bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫آمنة بنت وهب‬
‫بن عبد مناف بن زهرة‬, oo uu la gogol galay, markaasay qaaday uurka Rasuulka Ilaahay Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.” Waa intaas warkiisu.
Markaasey Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬gurigii Wahab\‫وهب‬
yimaadeen, halkaasoo ay isugu yimaadeen odayadii iyo madaxdii reer Banii Haashim /‫بني هاشم‬
iyo Cabdu Allaahi reer abtigiis reer Banii Makhzuum/‫ بني مخزوم‬iyo reer Banii Zuhrata/‫بني زهرة‬.
Waxaa kaloo gogoshaas ayaguna kasoo qayb galay madaxda reerihii kale ee Quraysh \‫ قريش‬iyo
Makkah\‫مكة‬. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬istaagay oo uu wanaagga iyo
ammaanta iyo gobannimada Quraysh\‫ قريش‬iyo reer Banii Haashim/‫ بني هاشم‬tiriyay, kaddibna
uu Wahab\‫ وهب‬weydiistay inuu gabadhiisa Aaminatu bintu Wahab/‫ آمنة بنت وهب‬siiyo, uuna
wiilkiisa Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬u guuriyo.
Intaas kaddibna wuxuu Wahab/‫ وهب‬walaalkiis Wuhayb\‫ وهيب‬ka doonay inuu isaga laftiisa
gabadhiisa Haalata bintu Wuhayb/‫ هالة بنت وهيب‬siiyo uuna ku nikaaxiyo. Markuu intaas yirina
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuu fariistay. Markaasaa waxaa istaagay Wahab \‫ وهب‬oo
isaguna gobannimada iyo ammaanta reer Banii Zuhrata\‫ بني زهرة‬tiriyay, kaddibna uu soo
dhoweeyey oo oggolaaday guurka Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo gabadhiisa Aaminah\‫آمنة‬, uuna
isku nikaaxay.
66
Aaminatu bintu Wahab‫ آمنة بنت وهب‬waxay ahayd gabadha Quraysh\‫ قريش‬ugu sarreysa xagga
nasabka iyo xagga makaankaba.
Wahab\‫ وهب‬dabadiis waxaa isaguna istaagay walaalkiis Wuhayb/‫وهيب‬, oo isaguna caddeeyey
inuu gabadhiisa Haalata/‫ هالة‬siiyay inuu guursado Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬,
hooggaamiyaha reer Banii Haashim/‫ بني هاشم‬iyo madaxa Makkah\‫مكة‬, wuuna isku nikaaxiyay.
Haalata\‫ هالة‬hooyadeed waxay ahayd Al Cablatu bintu al Mudh-dhalib/‫العبلة بنت المطلب‬,
hooyadeedna ay tahay Khadiijata bintu Sucayd bin Sahm/‫خديجة بنت سعيد بن سهم‬.
Qaalliga Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ee Al Diyaarbakrii\‫ القاضي الدياربكري‬wuxuu
kitaabkiisa Taariikhu Al Khamiisi\‫ تاريخ الخميس‬mujalladka koowaad bogga boqol saddex iyo
sideetan ku yiri:
“Waxaa la wariyay maalin Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬usoo baxay inuu qaansadiisa ku ugaarsado ama
ku nishaabo (sida kabdhoodka oo kale oo inta kab meel fog dhulka lagu mudo fallarta lagu
nishaabo), markasaa waxaa xaggiisa soo aaday sagaashan nin oo axbaarta, waa culummadee,
yuhuudda Shaam\‫ الشام‬ka mid ah oo seefohooda oo sumaysan wata ayagoo doonaya inay gaadaan
oo ay dilaan.
Wahab bin Cabdu Manaaf\‫وهب بن عبد مناف‬, Aaminah\‫ آمنة‬aabeheed, isaguna wuxuu ku ugaarsan
jiray qaansada ama ku nishaabi jiray, wuxuuna yiri:
“waxaan arkay axbaarta oo Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬sida dugaagad oo kale isku wada dul
wareejiyay, isagoo uu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬maalintaas keligiis yahay, ayaan aniguna xaggiisa
soo aaday si aan isaga celintooda ugu caawino. Markaasaan waxaan arkay rag aan u ekeyn ragga
adduunka oo saran fardo midabkoodu boor yahay oo axbaarta yuhuudda ku qaaday oo jebiyay oo
ay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ka carareen.”
Wahab bin Cabdu Manaaf\‫ وهب بن عبد مناف‬markuu dhacdadaas Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ka arkay
wuu jecleystay, wuxuuna yiri:
“uma qalmo gabadheyda Aaminah\‫ آمنة‬nin aan midkaan ahayn.”
Aaminah\‫ آمنة‬waxaa hore usoo doonay madaxda Quraysh, ayaduna ay wada diiday, ayna
aabeheed ku tiri:
".‫“يا أبت لم يأن لي التزويج‬
Oo macneheedu yahay: “aabow, wali sooma gelin waqtigaan guursan lahaa.”
Markaasuu Wahab\‫ وهب‬bartaas ka gaddoomay oo uu xaaskiisa u sheegay wuxuu Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬ka arkay, wuxuuna ku yiri:
"‫"إنه أج مل قريش واوسطهم نسبا واني الأحب البنتي آمنة زوجا غيره فانطلقي اليه فأعرضي ابنتي عليه لعله يتزوجها‬
“isagaa Quraysh\‫ قريش‬ugu qurxoon uguna gobsan xagga nasabka, aniguna gabadheyda
Aaminah\‫ آمنة‬nin aan isaga ahayn lama jecli. Marka dhaqaaq oo u tag una soo jeedi inuu
gabadhayda guursadu, waa intaasoo uu guursadaaye.”
67
Wuxuu yiri:
“markaasay Aaminah\‫ آمنة‬hooyadeed dhaqaaqday oo ay Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
gurigiisa ugu gashay oo ay markaas gabadheeda u bandhigtay. Markaasuu Cabdu Al Mudhdhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
".‫"لم يعرض علي امرأة تستقيم إلبني غيرها‬
"La iima soo jeedin gabar u toosan inuu wiilkeygu guursado oo aan ayada ahayn.”
Markaasuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬guursaday.
Habeenkuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬la aqal galay ma ayan harin haweeney Quraysheed\‫ قريش‬ee
waa way wada bukadeen.
Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫ عبد هللا بن عباس‬wuxuu aabihiis Cabbaas\‫ العباس‬ka wariyay inuu
yiri:
‫"ليلة بنى عبد هللا بآمنة أحصينا مأتي امرأة من بني مخزوم وعبد شمس وعبد مناف متن وخرجن من‬
".‫الدنيا ولم يتزوجن أسفا على ما فاتهن من عبد هللا‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Habeenkuu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬Aaminah\‫ آمنة‬la aqal galay waxaan tirinnay boqol haweeney
oo u dhashay Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬iyo Cabdu Shams\‫ عبد شمس‬iyo Cabdu Manaaf\‫عبد مناف‬
oo dhintay, adduunkaan ka baxay ayagoo aan guursan calool xumo ay ka qabaan siduu Cabdu
Allaahi‫ عبد هللا‬u dhaafay.”
Wuxuu yiri: Abuu Camr\‫ أبو عمر‬wuxuu yiri:
“Aaminah\‫ آمنة‬wiil walaal ah oo la dhashayna ma lahayn, gabar la dhalatay oo walaasheed ahna
ma lahayn, oo sidaasuusan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u lahayn abti iyo
habaryar toona, ee Banuu Zuhrah\‫ بنوا زهرة‬ayaa waxay yiraahdaan” annagaa abtiyaalkiisa ah”
maxaa yeelay hooyadiis ayaa ayaga ka dhalatay.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Aaminah\‫ آمنة‬cunug aan Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ahayn ma
dhalin, oo sidaasuusan ku lahayn wiil la dhashay oo walaalkiis ah iyo gabar la dhalatay oo
walaashiis ah toona.” Waa intaas warkiisu.
Qaadidda Aaminah\‫ آمنة‬uurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Caadada carabtu waxay ahayd inuu ninka gabadha guursadah uu gabadhaas kula aqal galo oo uu
saddex habeen kula hoydo guryaha reerka gabadha dhalay.
Markaasuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬isla habeenkaasba Aaminah\‫ آمنة‬kula aqal galay guri uu lahaa
Wahab\‫ وهب‬oo ku yiillay al Jamratu al Sughraa\‫الجمرة الصغرى‬, oo ah barta shaydhaanka lagu
dhagaxyeeyo marka xajka la gudanayo, oo ku taalla Mina/‫منى‬.
Magaalada Mina\‫ منى‬waxay ka tirsan tahay oo ay ku dhex jirtaa Xaramka Makkah\‫مكة‬.
68
Habeenkaas ugu horreyayba waxay Aaminah\‫ آمنة‬qaaday uurka Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Markey saddexdii maalmood go'eenna, wuxuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬haweentiisa Aaminah\‫آمنة‬
soo dejiyay gurigiisa uu Makkah\‫ مكة‬ku lahaa, ahna guriga uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ku dhalan doono, oo ilaa haddeer kasoo horjeeda albaabka Baabu Al
Ssalaam/‫ باب السالم‬ee Al Masjidu Al Xaraami.
Gurigaas oo inta darbiyadiisa la cusbooneysiiyay la dhigay kutubbo diini ah, lagana dhigay
Maktabad. Maktabadaas magaceedu waxaa weeye Maktabatu Makkah Al Mukarramah ‫مكتبة مكة‬
/‫المكرمة‬, oo sidaas ayay far waaweyn guriga wajigiisa Kacbada xiga loox ku dheggan ugu
dhigantahay.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬habeenkaas aaday haweeney
kale oo uu lahaa, uuna u yeeray inuu la gogol galo. Cabdu Allaahi \‫ عبد هللا‬maalintaas dhoobo
ayuu qasayey oo ka shaqeynayey, raadkii dhobada ayaana weli ku yiillay.
Markaasey haweentii markay dhoobada ku taalla aragtay ayay kasoo gaabisay. Markaasuu
agteedaba kasoo tegey isagoo aan u dhowaan, oo uu wayseystay oo uu dhobadii iska dhaqay,
kaddibna uu Aaminatu bintu Wahab/‫ آمنة بنت وهب‬aaday oo uu la gogol galay, ayna uurka Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday.
Markaasuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬haweentii ayada ahayd, oo Ummu Qitaal ahayd\‫أم قتال‬, soo
maray oo uu ku yiri:
"Hadda ka warran?"
Markaasey tiri:
"Maya. Markii hore oo aad isoo martay waxaa labadaada indhood dhexdooda ku yiillay bar cad
oo nuur ah, markaasaan kuu yeeray, adiguna aad diiday. Kaddibna waxaad u gashay
Aaminah\‫آمنة‬, taasoo nuurkii qaadatay oo la tagtay."
Waxaa la yiri inay haweentaasi oran jirtay in markii hore oo uu soo maray uu Cabdu Allaahi ‫عبد‬
‫ هللا‬labada indhood dhexdooda ku lahaa bar cad, sida barta cad oo farduhu wajiga ku leeyihiin.
Waxay tiri:
"Markaasaan u yeeray anigoo doonaya inuu nuurkaas aniga ii soo wareego, wuuse i diiday oo uu
Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت هوب‬u galay oo uu la gogol galay oo ay markaas uurka Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday."
Waxay kaloo Al Dhabarii/‫( الطبري‬Kitaabkiisa Taarikhu Al Dhabarii/‫تاريخ الطبري‬, mujalladka
koowaad, bogga shan boqol) iyo Ibnu Kathiir/‫( أبن كثير‬Kitaabkiisa taariikhda ee Al Bidaayah wa
al Nihaayah/‫البداية ةالنهاية‬, mujalladka labaad, bogga laba boqol laba iyo soddon) ay Cabdu
Allaahi bin Cabbaas/‫عبد هللا بن عباس‬, Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyeen inuu markuu
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬kexeeyey inuu u guuriyo, uu
la maray kaahinad qabiilka Khuthcam/‫ خثعم‬u dhalatay, lana yiraahdo Faadhimatu bintu
Murrata/‫ فاطمة بنت مرة‬oo haweenka kuwooda ugu qurux badan ka mid ah, diinta yuhuuddana
gashay, kutubbadana akhrisatay, kana mid ahayd dadka Tabaalah/‫تبالة‬. Markaasey Cabdu
Allaahi‫ عبد هللا‬wajigiisa nuur ku aragtay, kaddibna waxay ku tiri:
69
"Wiilow, haddeer ma ila gogol geleysaa waxaan ku siinayaa boqol halaad oo geel ahee?"
Markaasuu wuxuu ku yiri:
‫والحل اليحل فاستبينها‬/‫أما الحرام فالحمام دونه‬
‫يحمي الكريم عرضه ودينه؟‬/‫فكيف باالمر الذي تبغينه‬
1. Ammaa al xaraamu fal ximaamu duunahu
/wa al xillu laa xilla fa astabiinahu.
2. Fa kayfa bi al amri allathii tabghiinahu/yaxmii al kariimu cirdahu wa diinahu?
Labadaas tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Xaaraantana waxaan ka xigaa geeri/xalaalna iima ihid aan kugu banneysto
2. Arrinkaan aad dooneysidna hadduu falo/Sideebuu nin gob ahi sharftiisa iyo diintiisaba u
dhawrsan karaa?
Kaddibna wuxuu haweentaas ku yiri:
"Aabahay ayaan la socdaa, mana awoodo inaan ka haro."
Oo sidaas ayuu uga tegey.
Markaasuu aabihiis wuxuu u guuriyay Aaminatu bintu Wahab‫آمنة بنت وهب‬, oo uu agteeda
saddex habeen ku baryay.
Saddexdaas maalmood kaddibna Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu soo maray haweentii reer
Khuthcam/‫خثعم‬, markaasey naftiisu ka xambaartay waxay ayada nafteedu hore ugu xambaartay,
wuxuuna ku yiri: "Waxaad dooneysey hadda ma rabtaa?"
Waxay ku tiri:
"Wiilow, wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan ahayn qof wax xun oo lagu caayo ama lagu tuhmo sameeysa,
waxaanse wajigaaga ku arkay nuur, markaasaan doonay inuu nuurkaasi aniga igu soo wareego.
Ilahayse wuu diiday inuu nuurkaasi galo meeshuu Isagu doono mooyee ee maxaad dabadey
sameysey?"
Wuxuu yiri:
"Aabehey wuxuu ii guuriyay Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬, taasoo aan saddex habeen
lasoo baryay."
Markaasey haweentii Faadhimatu bintu Murrata/‫ فاطمة بمن مرة‬gabay tirisay ay ku sheegeyso siday
nuurkaas u dooneysey, ayse gabadha reer Banii Zuhrata\‫ بني زهرة‬uga qaadatay, waxayna tiri
(ayada ama gadhay ahaydba midda isu soo bandhigtay), waxaana wariyay Al Barqiyyu ‫البرقي‬
kana wariyay Hishaam Al Kalbii‫ هشام الكلبي‬:
‫فتألألت بجناثم القطر‬
‫إني رأيت مخيلة نشأت‬
‫ما حوله كإضاءة الفجر‬
‫فسماتها نور يضيء به‬
‫وفعت به وعمارة القفر‬
‫ورأيت سقياها حيا بلد‬
‫ما كل قادح زنده يوري‬
‫ورأيتها شرفا ينوء به‬
‫منك الذي استلبت وما تدري‬
‫هلل ما ظهرية سل‬
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
Waxaan arkay darurr bilaabatay inay samaysanto/waxayna ahayd daruur madow oo ay
biyo iyo nuur ka buuxaan.
70
Waxaanna arkay ayadoo nuuraysa oo iftiimineysa/inta ku hareereysan sida iftiinka
waabariga oo kale.
Waxaanna arkay ayadoo biyeheeda oo beled mayd ah ku nooleesey/kaddib markay roob
ku di’usay, lama degaankana biyo ku fatahday markay ka bateen.
Waxaanna u arkay (Cabdu Allaahi‫ )عبد هللا‬sharaf iyo gob iyo boqor aniga i dumaya oo
aan u hoydo/Mid kastoo dhinbil ka duusho dab ma shido.
Wa Allaahi‫ وهللا‬gabadha reer Banii Zuhra\‫ بني زهرة‬ayaa kaa xayuubsatay/adiga mana ayan
oga waxay kaa dhacday (oo ah Nabinnimada).
Waaba ayada uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
\‫ األنعام‬ku yiri:
"Allaahu aclamu xaythu yajcalu risaalataHu(124)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay ayaana og meeshuu Rasuulkiisa yeelayo(124)."
‫هللا سبحانه‬,
Suuratul Ancaam ‫سورة‬
ُ ‫َعلَ ُم َح ْي‬
ْ ‫اللَّهُ أ‬
ُ‫ث َي ْج َع ُل ِر َسالَتَه‬
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬markuu Aaminah\‫ آمنة‬guriga dejiyay, wuxuu aaday Kacbada inuu kusoo
dhawaafo.
Kacbada agteeda ayuu wuxuu ku arkay gabadhii hore isugu soo bandhigtay saddex maalmood ka
hor, ahaydna Ruqayyata bintu Nawfal/‫رقية بنت نوفل‬.
Markay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬aragtay ayay wajigeeda ka duwday, oo ay xagga Kacbada u
duwday. Waxaa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬yaab geliyay, inay saddex maalmood ka horna ay isu soo
bandhigtay, ayna u sheegtay inay siinayso boqol halaad oo geel ah, hadana ay kasii jeesanayso
oo ay wajigeeda xagga Kacbada uga jeedisay.
Markaasuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu ku yiri:
"Maxaa jira oo aad maanta iigu soo jeedin wayday waxaad shalay ii soo jeedisay?"
Waxay tiri:
"Waxaa kaa tegey nuurkii shalay kula socday, marka maanta xaajo kaama lihi."
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wajigiisu wuxuu lahaa nuur, nuurkaasoo ahaa nuurka Nabinnimada, ay
Ruqayyana/‫ رقية‬ay walaalkeed Waraqah/‫ ورقة‬ka maqli jirtay inuu ummaddaan u ahaan doono
Nabi ubadka Ismaaciil ka mid , zamankiisiina uu soo galay.
Markaasey waxay jeclaatay inay ayadu noqoto hooyada Nabigaas dhasha. Markuuse Cabdu
Allaahi/‫ عبد هللا‬Aaminah/‫ آمنة‬guursaday oo ay uurkii Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, qaaday, ayuu nuurkii Cabdu Alaahi/‫ عبد هللا‬ka wareegay oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu
Caleyhi Wasallam, iyo hooyadiis Aaminah/‫ آمنة‬u wareegay.
Ruqayyata/‫ رقية‬waxay u tirisay Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬gabay ay su'aashiisa uga jawaabayso.
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu kaloo Ibnu Qutaybah/‫ إبن قتيبة‬ka wariyay inay gabadha isku soo
bandhigtay Cabdu Allaahi ay ahayd Laylaa Al Cadawwiyata/‫ليلى العدوية‬.
Aaminah/‫ آمنة‬markay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uurkiisa yeelatay, waa loo
yimid, oo cid ayan u jeedin ayse hadalkiisa maqleyso ayaa u timid, waxaana lagu yiri:
71
".‫ ثم سميه محمدا‬,"‫ "أعيذه بالواحد من شر كل حاسد‬:‫إنك قد حملت بسيد هذه األمة! فإذا ولدته "قولي‬
"Waxaad qaaday hoggaamiyaha ummaddaan. Markaad dhashid oo uu soo dhaco waxaad
tiraahdaa: 'Midka Waaxidka ah ayaan ka magan geliyay kulli mid xaasid ah sharkiisa", kaddibna
waxaad u bixisaa Muxammad/‫محمد‬."
Markay uurkiisa yeelatay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay Aaminah/‫ آمنة‬aragtay inuu
kasoo baxay nuur u iftiimiyay oo ay ku aragtay ayadoo Makkah \‫ مكة‬joogta guryaha Busraa\‫بصرى‬
ee dalka Shaam\‫الشام‬.
Markuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬Haalata bintu Wuhayb\‫ هالة بنت وهيب‬guursaday, oo ay
Xamzah/‫ حمزة‬u dhashay, Cabdu Allaahina\‫ عبد هللا‬uu Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬
guursaday oo ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhashay ayay waxay
Qurayshi\‫ قريش‬tiri:
"Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuu ka kormaray aabihiis Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ "عبد المطلب‬isagoo uu
wiilka Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬Nabi noqday."
Safarka Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬ee Ghazzah ‫غزة‬
Muddo gaaban kaddib markay Aaminah\‫ آمنة‬uurka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
qaaday, Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu raacay Safarka Quraysheed oo waqooyiga iyo Shaam
aaday, tegeyna magaalada Ghazzah/‫ غزة‬ee dalka Falasdhiin/‫فلسطين‬.
Wuxuu kaloo aabihiis u dirsaday inuu soo noqodkiisa Al Madiinah Al Munawwarah/‫المدينة المنورة‬
soo maro oo uu timir usoo iibiyo, taasoo Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬farax weyn gelisay, taasoo
calaamad u ahayd kalsoonida uu aabihiis ku qabay, isagoo hawshaas muhimka ah isaga u
dirsaday in kastoo ay Safarka la socdeen rag isaga ka fac weyn, ganacsigana uga xeel dheeraa.
Habeenkaas Safarku Makkah\‫ مكة‬ka baxay subixii ku xigay waxaa Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
/‫ المكرة‬yimid, oo Shaam\‫ الشام‬ka yimid, wadaad ehelu kitaabka ah oo la yiraahdo Cays al
Raahib/‫عيص الراهب‬, oo intuu istaagay meesha la yiraahdo Marra al Thahraan /‫ مر الطهران‬wuxuu
yiri:
"Reer Makkow\‫مكة‬, waxaa idiin dhalan doona wiil ay Carabi adeeci doonto ayna diintiisa geli
doonto oo ay u hoggaansami doonaan, cajamtana hanan doona, oo waxaan ku jirnaa zamankiisa.
Qofkii adinka idinka mid ah oo gaara, raacana, asxaabtiisana ka mid noqda xaajadiisa noloshaan
iyo aakhiraba wuu gaarayaa. Qofkiinna soo gaara oo khilaafana xaajadiisa wuu seegay."
Wadaadkaasi markuu Makkah\‫ مكة‬cabbaar ka maqnaadaba, hadana wuu soo noqon jiray,
markaasuu intaas yirahdaa, kaddibna uu dalkiisa dib ugu noqon jiray.
Marka dadka reer Makkah\‫ مكة‬wayba u barteen, hadalkiisana dan kama ayan geli jirin, waxayna
is oran jireen:
"Meeyey ninka Carbeed oo Carabna u hoggaansami doonto, cajamtana hanan doona, ayagoo reer
Makkah\‫ مكة‬ay itaal darnaayeen, umadaha hareerohooda degganna ayba soo weerari karaan oo
ayba kala dafi karaan?"
72
Safarkii Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu tegey Ghazzah/‫ غزة‬ee arliga Falashiin/‫فلسطين‬, halkaasoo ay
ganacsigoodii ku dhaqaaqeen. Intay halkaas joogeen Cabdu Allaahi \‫ عبد هللا‬wuxuu soo booqday
qabriga awoowihiis Haashim bin Cabdu Manaaf/‫هاشم بن عبد مناف‬, oo halkaas ku dhintay,
laguna duugay isagoo Safarka Quraysh\‫ قريش‬hoggaaminaya.
Haashim\‫ هاشم‬ayaana isku xiray quluubta reer Banii Haashim \‫ بني هاشم‬iyo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, isagoo guursaday Salmaa Al Khazrajiyyah/‫سلمى الخزرجية‬, ayna u
dhashay Cabdu Al Mudhalib/‫عبد المطلب‬.
Markay ganacsigooda dhammaysteen, Safarkii Quraysh\‫ قريش‬oo uu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬ka mid
ahaa, wuxuu usoo gaddoomay xagga koofur iyo Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Bukaanka iyo dhimashada Cabdu Allaahi‫عبد المطلب‬
Intay dariiqa kusoo jireen ayaa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬bukooday, markaasey raggi kale
hawdaj/‫ هودج‬rati uga kor dhiseen oo ay sidaas kusoo qaadeen oo ay Al Madiinah\‫ المدينة‬keeneen.
Al Xalabiyah\‫ الحلبية‬waxay warisay inuu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬asxaabtiisa safarka ku yiri:
."‫أنا أتخلف عند أخوالي بني عدي بن النجار‬
Oo Macnihiisu yahay:
“Anigu waxaan ku harayaa reer abtigay Bani Cadiyyi bin Al Najjaar‫ بني عدي بن النجار‬.”
Waa intaas warka Al Xalabiyah\‫( الحلبية‬1/63).
Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬wuxuu ku degey guriga ninka koofaartiisu tahay Al Naabighah/‫النابغة‬,
magaciisuna yahay Xaarith bin Ibraahiim bin Suraaqata al Cuthriyyi ‫حارث بن إبراهيم بن سراقة العذري‬
‫من بني عدي بن النجار‬, ee reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar‫ بني عدي بن النجار‬oo aabihiis Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬dhalay oo u reer abti ah.
Reerkaas waxaa u madax ahaa Al Naabighah\‫النابغة‬. Safarka intiisa kale wuxuu soo aaday
Makkaah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, Cabdu Allaahina‫ عبد هللا‬waxay uga soo tageen guriga Al
Naabighah\‫ النابغة‬isagoo xanuunsan.
Markay Makkah\‫ مكة‬yimaadeen oo uu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬khabarka wiilkiisa
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬uu gaaray, wuxuu soo xusuustay inuu aabihiis Haashim/‫ هاشم‬dal
shisheeye ku dhintay, oo ah Ghazzah/‫غزة‬, adeerkiis Al Mudh-dhalibna/‫ المطلب‬uu dal shisheeye,
oo ah Yaman،‫يمن‬, ku dhintay, adeerkiis Nawfalna\‫ نوفل‬uu isagoo qariib ah arliga Ciraaq/‫ عراق‬ku
dhintay, wuxuuna is weydiiyay: "Cabdu Allaahina‫ عبد هللا‬ma isagoo qariib ah ayuu Yathrib/‫يثرب‬
ku dhiman doonaa?"
Markaasaa waxaa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬u yimid wiilkiisa Al Zubayru/‫ الزبير‬oo ku
yiri:
"Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬meeyey?"
73
Wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Wuxuu ku haray reer abtigiisa Yathrib\‫"يثرب‬.
Al Zubayru\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Muxuu Safarka ula soo noqon waayey?"
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Halkaas ayuu ku bukaa, Al Xaarith/‫ الحارث‬ayaanna dirayaa inuu walaalkiis soo celiyo."
Markaasuu Al Zubayru\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Bal anigaa safrayoo soo celinaya."
Sidaas ayuu Al Zubayru\‫ الزبير‬Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ugu safray si uu
walaalkiis Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬usoo qaado.
Waxaa kaloo la yiri waxaa Al Madiinah\‫ المدينة‬u safray si uu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬usoo celiyo
walaalkiis Al Xaarith\‫الحارث‬.
Al Zubayr\‫الزبير‬, ama Al Xaarith\‫ الحارث‬wuxuu yimid Al Madiinah\‫ المدينة‬isagoo uu Cabdu
Allaahi‫ عبد هللا‬dhintay, kaddib markuu bil halkaas ku jirranaa, laguna xabaalay daarta Al
Naabighah\‫النابغة‬.
Al Zubayr\‫ الزبير‬Makkah\‫ مكة‬ayuu kusoo laabtay.
Markuu khabarka dhimashada Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬Makkah\‫ مكة‬soo gaaray, waa laga wada
naxay, waxayna dadku is waydiiyee:
"Maxay tartay in boqol halaad oo geel ah lagu furtay hadduu in yar kaddibba dhimanayo?"
Xikmada furashadiisa iyo dhimashadiisa ku jirta waxaase garaty Ruqayyata bintu Nawfal ‫رقية بنت‬
\‫نوفل‬, oo nafteeda isku tiri:
"Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬waxaa boqol halaad oo geel ah loogu furtay inuu noolaado oo uu
Aaminatu bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬guursado, oo uu la gogol galo uuna ku wareejiyo oo ku
ammaaneysto, ugana tago nuurkii wajigiisa ka kaahayay."
Dhaxalka Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu ka dhintay shan halaad oo geel ah, gabar addoon ah oo xabashiyad
ah, magaceeduna yahay Barakatu bintu Thaclab bin Xusayn/‫بركة بنت ثعلبة بن حسين بن مالك‬
(waa saad aan dhibic lahayn) bin Maalik (Sidaas ayuu magaceeda oo dhan ugu xusay,
mujalladka koowaad, bogga boqol toddoba iyo sideetan, kitaabkiis Taariikhu Al Khamiis ‫تاريخ‬
/‫ الخميس‬Qaalligii Makkah magaciisuna ahaa Al Imaamu Al Shaykh Xusayn bin Muxammad bin
Al Xasan Al Diyaarbakrii/‫القاضي األمام الشيخ حسين بن محمد بن الحسن الدياربكري‬, dhintayna sanadka
sagaal boqol lix iyo lixdanka Hijrada).
Barakatu\‫بركة‬, oo ah hooyada dhashay Usaamah bin Zayd bin Xaarithah/‫أسامة بن زيد بن حارثة‬,
Allaha raalli ka wada noqdee, koofaarteedu wuxuu ahaa Ummu Ayman/‫أم أيمن‬, oo wiilkay
Usaama hortiis dhashay ayaa la oran jiray Ayman/‫أيمن‬, oo saxaabi ahaa, Allaha raalli ka noqdee.
Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay dhimatay khilaafada Cuthmaan bin Caffaan /‫عثمان بن عفان‬,
Allaaha raalli ka noqdee.
74
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu kaloo ka dhintay xoogaa ari ah. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ayaa Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬iyo shanta halaad oo geela ah iyo arigaba
aabihiis ka dhaxlay.
Meesha lagu duugay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
Reer Cadiyyi bin Al Najjaar\‫ بني عدي بن النجار‬waxay Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ka
degganaayeen daarohoodii la yiqiinnay oo Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
xagga galbeedka ka xigay. Guryohoodu waxay ku yiilleen oo ay taxnaayeen galbeedka Masjidka
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga bilaabo xagga waqooyigiisa ilaa koofurtiisa iyo
ilaa Masjidka la yiraahdo Masjidu Al Ijaabah/‫مسجد اإلجابة‬, kaasoo geeska barxadda lagu tukado ee
Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maanta u jira shan boqol iyo sideetan mitir.
Guryaha Ansaarta waxaa ugu khayr badan guryaha Banuu Al Najjaar” ‫خير دور األنصار بنوا‬
/‫النجار‬
Guryahaas inta la dumiyay markii Masjidka la ballaarinayay ayaa dhulkooda Masjidka lagu
daray. Daar waa guryo badan oo hal darbi wadaaga oo uu ku wada wareegsan yahay. Daartaas
reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar\‫ بني عدي بن النجار‬waxaa ku dhex yiillay guri afar geesood leh oo
wayn, oo Masjidkooda isla daartaas ku dhex yiillay, xagga Qiblada ka xigay. Gurigaas waxaa loo
yiqiinnay Adhamu Al Zaahiriyyata/‫أطم زاهرية‬, oo ah magaca haweeney gurigaas degganayd.
Guriga ninka koofaartiisu tahay Al Naabighah/‫النابغة‬, magaciisuna yahay Xaarith bin Ibraahiim
bin Suraaqata al Cuthriyyi oo reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar \‫ بني عدي بن النجار‬madaxa u ahaa
wuxuu ku yiillay Masjidka daartaas ku dhex yiillay agtiisa.
Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu yiri:
".‫ ثم بنوا عبد أألشهل‬،‫"خير دور االنصار بنوا النجار‬
"Khayru duuri al Ansaari Banuu Al Najjaar, thumma Banuu Cabdu Al Ash-hal."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Daaraha Ansaarta waxaa ugu khayr badan daaraha reer Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬-ujeedaduna
waa dadka guryahaas iyo daarahaas deggan ee ma aha guryaha dhagaxda ah laftooda-, waxaana
ku xiga Kuwa Banuu Cabdu Al Ash-hal\‫بنو عبد األشهل‬."
Reer Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬waa jilib ka mid ah qabiilka Al Khazraj/‫الخزرج‬, reer Banii Cabdu
Al Ash-halna/‫ بني عبد األشهل‬waa jilib ka tirsan qabiilka Aws/‫أوس‬.
Kala fiicnaantaasi waa siday islaamidda ugu kala horreeyeen iyo siday ugu kala dheereeyeen
inay Kalimadda Ilaahay midda sarreysa ka yeelaan: sidaas waxaa u fasiray Al Sh-ariif Al
Samhuudii/‫ الشريف السمهودي‬, kitaabkiisa Wafaa'ul Wafaa'/‫وفاء الوفاء‬, mujalladka koowaad,
bogga laba boqol afar iyo toban.
Ninkay reer Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬ku abtirsadaan oo la yiraahdo Al Najjaar\‫النجار‬, magaciisu
waa Taymu Allaahi bin Thaclabah bin Camr bin Al Khazraj‫تيم هللا بن ثعلبة بن عمروا بن الخزرج‬,
waxaana Al Najjaar/‫ النجار‬loogu bixiyay isagoo gacantiisa oo isku duuban uu feer ama bir uu
gacanta ku qabsaday nin kale wajiga uga dhuftay, oo uu sidaas wajigiisa ku dillaaciyay.
75
Farsamayaqaanka alwaaxda ka shaqeeya waxaaba najjaar\‫ نجار‬loo yiraahdaa isagoo alwaaxda
jeexa, oo najara\‫ نجر‬macneheedu waxaa weeye waa gooyey.
Daarta Al Naabighah\‫دار النابغة‬
Marka, Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬waxaa lagu duugay daarta Al Naabighah\‫النابغة‬, daartaasna wuxuu
uga duugan yahay guriga labaad xakabadda hoosteeda. Gurigaasna wuxuu bidixda ka qabanayaa
qofka irridda daydka wayn kasoo gala. Daartaas dhexdeeda waxaa ku yiillay, sidaan usoo
sheegnay Masjid.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ku tukaday Masjidkaas, wuxuuna,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday daarta Al Naabighah \‫النابغة‬. Wuxuu kaloo, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku qubaystay Masjidka reer Banii Cadiyyi/‫بني عدي‬. Waxaa halkaas
ka cad inay daartaas dhexdeeda ku yiilleen laba Masjid oo kala ah Masjidka daarta Al Naabighah
\‫ النابغة‬iyo Masjidka la yiraahdo Masjidu Banii Cadiyyi/‫مسجد بني عدي‬, Nabiguna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, uu labadoodaba ku tukaday, midkoodna uu ku qubaysta oo ah Masjid reer
Banii Cadiyyi\‫بني عدي‬. Wuxuu kaloo Nabigu. Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday guri
kale oo daartaas isaguna ku yiillay uuna lahaa ninka la yiraahdo Sirmata/‫صرمة‬, siduu ugu
wariyay Al Samhuudii/‫ السمهودي‬kitaabkiisa Wafaa'ul Wafaa'\‫ وفاء الوفاء‬Juzka saddexaad, bogga
sideed boqol toddoba iyo lixdan.
Masjidu Al Ghamaamah/Masjidu Al Musallaa\‫مسجد الغمامة‬
‫مسجد المصلى‬/‫مسجد الغمامة‬
Waxaa kaloo Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga galbeed ka xigay bar ka
mid ah meeluhuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Salaadda Ciidaha ku tukan jiray, barahaasoo
kaddib Masaajidyo laga dhisay, oo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salaadaha Ciidda
Masjidkiisa kuma tukan jirin ee wuxuu Asxaabtiisa ku tujin jiray bannaanka.
Meeshaas waxaa la yiraahdaa Al Musallaa/‫المصلى‬, masaajidyada ka dhisanna waxaa ka mid ah
masjidka la yiraahdo Masjidu Al Ghamaamata/‫ مسجد الغمامة‬ama Masjidu Al Musallaa ‫مسجد‬
/‫المصلى‬. Masjidkaas wuxuu Baabu Al Ssalaamu/‫ باب السالم‬ee Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u jiraa shan boqol oo mitir, darafta saaxadda lagu tukado ee Masjidkana u
jiraa saddex boqol iyo shan mitir, siduu Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii ‫محمد إلياس عبد‬/‫د‬
/‫ الغني‬ku wariyay bogga laba boqol laba iyo soddon ee kitaabkiisa Al Masaajidu Al Athariyyatu
Fii Al Madiinati Al Munawwarati /‫ المساجد األثرية في المدينة المنورة‬ku wariyay.
Dr Khaalid Muxammad Xaamid/‫خالد محمد حامد‬/‫ د‬wuxuu kitaabkiisa Thikraa mina Al Madiinah Al
Munawwarah/‫ ذكرى من المدينة المنورة‬boggiisa boqol iyo lix iyo soddon ku wariyay in Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu yiri:
".‫"ما بين مسجدي إلى المصلى روضة من رياض الجنة ومنبري على حوضي‬
"Maa bayna Masjidii ilaa al Musallaa Rawdatun min Riyaadi al Jannati wa Minbarii calaa
Xawdii."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
76
"Inta u dhexeysa Masjidkeyga iyo Al Musallaa\‫ المصلى‬waa beer beeraha Jannada ka mid ah,
Minbarkeyguna wuxuu ku kor yaalla Xawdkeyga\‫حوضي‬." Kutubbo kale oo bandanna waa
wariyeen.
Xawdku/‫ الحوض‬waa Wabi maalinta qiyaame meesha la isku shirinayo ku yaallaa oo uu Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyay kaasoo ka
waraabinaya maalintaas kulaylka iyo harraadka badan muslimiinta. Xadiithkaan wuxuu Al
Sayuudhii/‫ السيوطي‬ku wariyay kitaabkiisa Tanwiiru Al Xawaaliki/‫ تنوير الحوالك‬mujalladka labaad
bogga boqol lix iyo konton. Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Wafaa'u Al Wafaa \‫ وفاء الوفاء‬iyo
kuwo kaleba.
Al Jazaa’irii: qabriga Cabdu Allaahi/‫قبر عبد هللا‬:‫الجزائري‬
Abii Bakar Jaabir Al Jazaa'irii/‫أبي بكر جابر الجزائري‬, Waacithka/‫ الواعظ‬Masjidka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu kitaabkiisa Haathaa Al Xabiibu Muxammadun Rasuulu
Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Yaa Muxibbu ‫هذا الحبيب محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يا‬
/‫محب‬, oo kun sagaal boqol shan iyo sagaashan la daabacay, bogga lix iyo afartanaad ku yiri:
"Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu ku dhintay guryaha reer abtigiis reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar
‫بني عدي بن النجار‬, qabrigiisuna meeshuu ku yaallo waa la yaqaannaa oo waa macruuf. Dhowaan
ayaa la qariyay si ayan usoo booqan kuwa jaahiliinta ah, amaba ayan ka shafeeco doonan."
Ninka Masjidka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dadka salaadda ku tujiya
Imaam lama yiraahdo, sida kuwa dadka ku tujiya masaajidyada kale. Sababtu waxaa weeye
inuusan ninna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, imaam u noqon karin, isagoo
uu Nabigu Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, nool yahay oo uu qolkiisa Masjidkiisa ku yaaalla
deggan yahay. Sidaas ayaa waxaa qofkaas loo yiraahdaa Waacith/‫واعظ‬, oo ah midka dadka
wacthiya, ama Khadhiib/‫خطيب‬, oo ah midka khudhbada Jimcaha jeediya.
Qabriga Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬maanta
Maalinta Jimcaha ah, taariikhduna tahay sagaalka bisha Safar ee sanadka Hijrada ee kun iyo afar
boqol iyo shan, una dhigantah maalinta labaad ee bisha Noovembar ee sanadka kun iyo sagaal
boqol iyo iyo afar iyo sideetan waxaa la dhigay dhagaxa ballaarinta Masjidka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, mashruucaas oo loo
yaqaanno Ballaarinta Sucuudiga ee Labaad, siduu Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii ku
xusay kitaabkiisa Taariikhu Al Masjidi Al Nabawii Al Shariifi/‫تاريخ المسجد النبوي الشريف‬.
Markaasaa waxaa ay Dawladda Sucuudigu gadatay daaraha Masjidka ku hareereysan, si inta loo
dumiyo dhulkooda Masjidka lagu daro oo lagu ballaariyo. Markaasey waxay gadatay saddex
boqol iyo sagashan guri, siduu u wariyay kitaabka ay dhigtay shirkaddii hawlahaas ballaarinta
meel marisay ee la yiraahdo "Story of the Great Expansion", ayna dhigtay shirkadda sucuudiga
ah ee la yiraahdo Saudi Bin Ladin Group, boggiisa saddex boqol iyo labo iyo toddobaatan.
Guryaha la dumiyay waxay Masjidka ka xigeen, siduu isla kitaabkaas boggiisa saddex boqol iyo
kow toddobaatanka ku xusay xagga waqooyiga, qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhacba.
Guryahaas waxaa ka mid ah guriga uu ku yaallo qabriga Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-
77
dhalib/‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, oo
Masjidka dhanka qorrax u dhac ka xigay.
Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib Al Haashimiyyi\‫عبد هللا بن عبد المطلب الهاشمي‬
wuxuu ka mid yahay Ahlu Al Baytka/‫أهل البيت‬
Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫ عبد هللا بن عبد المطلب بن هاشم‬wuxuu ka
mid yahay Ahlu Al Bayti\‫أهل البيت‬, sidaan ku arki doonno markaan warinaynno warka Al
Imaamu Al Sh-shaaficii/‫ األمام الشافعي‬oo caddeynaya kuway yihiin Ahly Al Bayti \‫أهل البيت‬
inshaa’a Allaahu Tacaalaa\‫إن شاء هللا تعالى‬.
Nabi Muxammadna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Ilaahay Tacaalaa
‫ هللا تعالى‬ka baryay inuu Ahlu Al Baytkiisa‫ أهل البيت‬jannada geliyo oo uusan naar gelin, sidaan
hoos ku arki doonno Xadiithka uu ibnu Abii Shaybah/‫ إبن أبي شيبة‬ka wariyay Ummu Salamah ‫أم‬
/‫ سلمة‬inshaa’a Allaahu. Sidoo kale tafsiirka laga wariyay ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee
)5( ‫ضى‬
َ ‫يك َرب‬
َ ‫ف ُي ْع ِط‬
َ ‫َولَ َس ْو‬
َ ‫ُّك فَتَْر‬
“Walasawfa yucdhiika Rabbuka fa tardaa” ee Suuratu Al Dduxaa\‫سورة الضحى‬.
Al Shariifu Al Khayyaarii\‫الشريف الخياري‬
Kitaabka magaciisu yahay Taariikhu Macaalimi Al Madiinah Al Munawwarah Qadiiman wa
Xadiithan/‫تاريخ معالم المدينة المنورة قديما وحديثا‬, uuna dhigay Al Sayyid Axmad Yaasiin Axmad Al
Khayyaarii Al Madanii Al Azharii Al Xusaynii ‫السيد أحمد ياسين أحمد الخياري المدني األزهري‬
/‫الحسيني‬, oo ka mid ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
oofsadayna toddoba iyo tobanka bisha Rajab ee sanadka kun iyo saddex boqol iyo sideetanka
Hijriga, wuxuu caalinka faallada ku daray iyo wixii cusbaa ee geerida dhigaha kitaabka ka
dambeysey magaciisuna yahay Al Istaath Cubaydu Allaahi Muxammad Amiin Kurdii ‫األستاذ عبيد‬
/‫هللا محمد امين كردي‬, oo macallin ka ah Jaamacadda Al Kulliyah Al Mutawassidhah li icdaadi Al
Mucallamiina‫ الكلية المتوسطة إلعداد المعلمين‬bi Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, ahna
Jaamacadda Macallimiinta soo saarta, wuxuu bogga lix iyo soddon ku yiri:
"Banuu Maalik bin Al Najjaar/‫ بنوا مالك بن النجار‬waxay deganaayeen meesha lagu duugay Cabdu
Allaahi, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam aabihiis, lana yiraahdo Zuqaaq Al
Dhuwaal/‫( زقاق الطوال‬Zuqaaq waa dariiqa yar oo ciriiriga ah) ee Al Madiinah Al
Munawwarah‫"المدينة المنورة‬.
Al Khayyaarii\‫ الخياري‬wuxuu kitaabkiisaan ku yiri: "Ibnu Shubbah/‫ إبن شبهة‬wuxuu Yaxyaa bin Al
Nadr/‫ يحيى بن النضر‬ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday
Masjidka ku yiillay Daarta Al Naabighah\‫ ;دار النابغة‬riwaayad kalena inuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku qubaystay Masjidka Banii Cadiyyi \‫مسجد بني عدي‬.
Daarta Al Naabighahn\a‫ النابغة‬waa midda uu Ibnu Shubbah\‫ إبن شبه‬wariyay inuu dhexdeeda ku
yaallo qabriga Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis,
waxaana muuqata inay Daarta Banii Cadiyyi ku taallo galbeedka Masjida, kuna xigto Banii
78
Jadiilah/‫بني جديلة‬, ayadoo uu Al Nadr/‫النضر‬, Anas/‫ أنس‬aabihiis reer Banii Cadiyyi u dhashay,
waxaanna arki doonnaa markaan ceelasha ka hadlaynno inuu ceelka daartiisu halkaas ku yiillay".
(Ceelkaan iyo Daartiisaba waxaa lagu soo daray Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam).
Ninka faallada ku darayna wuxuu yiri:
"Bartaan (uu ku yaallo qabriga Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, aabihiis) waxaa lagu soo daray dhinaca qorrax u dhac ee Masjida Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee Sharafta leh, marka galbeeka loo ballaariyay".
Wuxuu bogga boqol iyo saddex iyo konton ku yiri, isagoo ka faalloonaya Masjidka Reer Banii
Cadiyyi bin Al Najjaar\‫ بني عدي بن النجار‬ama Masjidu Daaru Al Naabighah fii Banii Cadiyyi ‫مسجد‬
\‫دار النابغة في بني عدي‬:
"Wuxuu ku yiillay bartamaha Al Zuqaaqu\‫ الزقاق‬- oo ah dariiqa ciriiri ah - oo la oran jiray
Zuqaaqu Al Dhuwaali‫ زقاق الطوال‬, bartaasuna hadda waxay dhex gashay ballaarinta Sucuudiga ee
Masjidaka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Kitaabkaan waxaa lagu daabacay Madhbacada la yiraahdo: Madhaabic Mu'assasatu Al
Madiinah lil Saxaafah (Daaru Al Cilmi)/)‫ مطابع مؤسسة المدينة للصحافة (دار العلم‬ee ku taalla
Jiddah/‫جدة‬, tanna waa dhabcada afaraad ee la daabacay sanadka kun afar boqol iyo afar iyo
toban, una dhigantah kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo sagaashan.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu ku duugan yahay Masjidka wiilkiisa Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhexdiisa dhankiisa qorrax u dhac
Sidaas ayuu Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, aabaha dhalay
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku duugan yahay Masjidka
wiilkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo hal saqf ayay ku wada hoos noolyihiin,
Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu dhanka qorrax kasoo bax ka deggan yahay,
aabihiisna dhanka galbeed iyo qorrax u dhac uga duugan yahay.
Sidaasuu Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬ugu jiraa Jannada ugu
sarreysa oo ugu fiican oo ah Al Wasiilatu/‫ الوسيلة‬oo ah barta ugu sarreysa Firdawsa/‫ فردوس‬oo ah
degmada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam inshaa’a
Allaahu.
Mashruuca ballaarinta Masjidka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la
gunaanaday maalinta Jimcaha ah ee maalinta afaraad ee bisha thul Qacdah\‫ ذوالقعدة‬ee sanadka
kun iyo afar boqol iyo afar iyo toban Hijrada, una dhigantah maalinta shan iyo tobnaad ee bisha
Abriile ee sanadka kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sagaashan.
Barashadiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dabaasha iyo ragga
yuhuudda ah ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
Aaminah bintu Wahb\‫ آمنة بنت وهب‬wiilkeeda Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam waxay sanad walba mar geyn jirtay Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
79
\‫ المنورة‬si uu qabriga aabihiis usoo arko. Markay Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
tagtay, Aaminah\‫ آمنة‬waxay reer abtigiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam –waana reer abtiga
awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬-, la joogtay bil, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calahi
Wasallam, wuxuu xusi jiray umuuro uu la kulmay bishaas uu sidaas Al Madiinah\‫المدينة المنورة‬
ku joogay.
Qisadaanna waa marka ugu dambeysey oo ay Al Madiinah Al Munawwarah \‫المدينة المنورة‬
geysey Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isagoo lix sano jira, ayaduna markay
lasoo gaddoonto si ay Makkah\‫ مكة‬ugu noqoto ayay dhimatay, laguna aasay tuulada la yiraahdo
Al Abwaa’/‫ األبواء‬oo uu ilaa maanta qabrigeedu ku yaalla oo la yaqaannaa,
Hijrada kaddib, markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah soo degay, ayuu intuu
daartaas fiiriyay ayuu wuxuu yiri:
".‫"ههنا نزلت بي أمي‬
"Haa hunaa nazalat bii Ummii",
oo macnihiisu yahay:
“Halkaan ayay hooyaday ila degtay.”
Riwaayad kalena waxay leedahay inuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ وكان قوم من اليهود‬،‫"وفي هذه الدار قبر أبي عبد هللا وأحسنت العوم في بئر بني عدي بن النجار‬
‫" فوعيت‬.‫ وهذا دار هجرته‬،‫ قالت أم أيمن فسمعت أحدهم يقول "هو نبي هذه أألمة‬.‫ ينظرون إلي‬،‫يختلفون‬
".‫كله من كالمهم‬
"Wa fii haathihi al daari qabru abii Cabdu Allaahi". "Wa axsantu al cawma fii bi'ri Banii
Cadiyyi bin Al Nnajjaar, wa kaana qawmun min al yuhuudi yakhtalifuuna, yanthuruuna
ilayya. Qaalat Ummu Ayman: fa samictu axaduhum yaquulu: Huwa Nabiyyu haathihi al
Ummah, wa haathaa daaru hijratihi. Fa wacaytu kullahu min kalaamihim".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Daartaanna waxaa dhexdeeda ku yaalla qabriga aabahay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, aanna dabaasha
si fiican ugu bartay ceel ay leeyihiin reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar \‫بني عدي بن هانجار‬. Rag
yuhuud ahna way isku kay dhaafi jireen oo ay fiirada igu soo celcelin jireen.
Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay tiri:
"waxaanna maqlay midkood oo oranaya:
"isagu waa Nabiga Ummaddaan, magaaladaanna waa magaalada uu usoo haajiri (qaxi) doono."
Markaasaan intaas kulli aan hadalkooda ka weeleeyey (oo aan qalbiga ku qabtay oo ku
xifdiyay)".
Sidaas ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabaasha u bartay, isagoo aan weligiis bad tegin.
Ceelasha Madiinana\‫ المدينة‬way gaagaaban yihiin qaarkood, afna ballaaran yihiin.
Al Sayuudhi/‫ السيوطي‬wuxuu yiri: Abuu Al Qaasim Al Baghawii/‫ أبو قاسم البغوي‬iyo Ibnu
Casaakir/‫ إبن عساكر‬iyo Ibnu Shaahiin/‫ إبن شاهين‬waxay Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyeen inuu
yiri:
80
"Isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisa ayaa waxay ku dabasheen durdur ,
markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫" ليسبح كل رجل إلى صاحبه‬
"La yasbax kullu rajulin ilaa saaxibihi"
oo macneheedu yahay
"Nin walba xagga saaxiibkiis ha u dabaasho".
Markaasuu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬u dabaashay oo
uu markuu u tegey uu luqunta luqunta u suray, uuna yiri:
".‫أنا وصاحبي‬، ‫"أنا وصاحبي‬
"Anaa wa saaxibii, anaa wa saaxibii"
oo macneheedu yahay
"Aniga iyo saaxiibkay, aniga iyo saaxiibkay".
Kaddib hooyadiis waxay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula soo gaddoontay Makkata Al
Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬si dhakhso leh, cabsi ay uga qabto yuhuudda.
Al Zarqanii/‫ الزرقاني‬wuxuu wariyay riwaayada Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬oo yiri:
“Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ فنظرإلى ظهري فأسمعه‬،‫"فنظرإلي رجل من اليهود يختلف ينظر إلي فقال يا غالم ما إسمك؟ قلت أحمد‬
".‫ فخرجنا من المدينة‬،‫ فأخبروا أمي فخافت علي‬.‫ ثم راح إلى إخوانه فأخبرهم‬،"‫يقول "هذا نبي هذه األمة‬
“fa nathara ilayya rajulun mina al yahuudi yakhtalifu yanthuru ilayya, fa qaala: “yaa
ghulaam maa ismuka?” "Qultu Axmad, wa nathara ilaa thahrii fa asmacuhu yaquulu:
"haathaa Nabiyyu haathihi al ummati", thumma raaxa ilaa ikhwaanihi fa akhbarahum. Fa
akhbaruu ummii fa khaafat calayya, fa kharajnaa mina Al Madiinah".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaasaa waxaa i fiiriyay nin yuhuudda ka mid ah, oo uu fiirada uu i fiirinayo ku celceliyay.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wiilow magacaa?"
Waxaan iri Axmad\‫أحمد‬. Markaasuu dhabarkeyga fiiriyay. Kaddibna waxaan maqlay isagoo
oranaya: "Midkaani waa Nabiga Ummaddaan". Kaddibna wuxuu ku laabtay walaalihiis oo uu u
sheegay. Markaasaa hooyaday loo sheegay. Markaasey intay ii baqday ayaan Al Madiinah \‫المدينة‬
ka dhoofnay". Waa intaas warka Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬.
Qiridda yuhuudda inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Nabiga
ummaddaan yahay
Ragga yuhuudda ah oo uu ninkaas ayaga ka mid ahi hadalkaas u jeediyayna way u qireen oo ay
sugeen inuu sidaas yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabiga ummaddaan, oo kuma ayan
inkirin, kuma ayan diidin. Markaasey hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay
81
tuulada Al Abwaa’/‫ األبواء‬la yiraahdo la marayso, ayaa halkaas geeridii ugu timid oo lagu
oofsaday, laguna duugay.
Sidaasay noogu dhammaatay qaybtaan ee kitaabkaan wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina
wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
tasliiman kathiiran kullamaa thakarahu al th-thaakiruuna wa ghafala can thikrihi al ghaafiluuna.
Walaaladay Xaajji Cabdu Al Qaadir Nuur Cismaan Cilmi (bidixdaada) iyo Xaajji Cabdu Al
Rrizaaq Sheekh Cumar Cismaan Cilmi oo hortaagan Guuriguu ku Dhashay Nabi MUxammad
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Xasanwali toddoba iyo labaatanka Thuu Al
Qacdah kun afar boqol laba iyo soddon Hijriga, una dhiganta shan iyo labaatanka Oktoobar laba
kun kow iyo toban miilaadiga.
82
Guriga bidixda kaa qabanayaa oo shan shabaako uga jeedid kana soo horjeeda Baabu Al
Ssalaam\‫ باب السالم‬ee Xaramka waa guriguu ku dhashay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Xasanwali.
83
Naqshadda guriga Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, guriguu ku
dhashay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Al Xaarithii\‫ الحارثي‬1432H/2011.
Xasanwali.
.
Qubbadda cagaaran hoosteeda waa Guriga Caa’ishah\‫عائشة‬, halkaasoo uu ku nool yahay Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuuna ku yaalla dhanka
qorrax kasoo bax ee Masjidka. Dhanka qorrax u dhacna waxaa deggan Cabdu Allaahi bin Cabdu
84
Al Mudh-dhalib‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam aabihiisa dhalay.
85
Qaybta Labaad
A a m i n a h/‫آمنة‬
Abtirsiga Aaminah bintu Wahb\‫نسب آمنة بمن وهب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis waa Aaminata bintu Wahab bin
Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab (oo ay nasabka Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Aaminah‫ آمنة‬ku
kulmaan) bin Murrata bin Kacb bin Lu’ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫آمنة بمن وهب بن عبد مناف بن‬
\‫ زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka Quraysh la yiraahdo.
Murrah bin Kacb ilmihiisa\‫مرة بن كعب‬
Murratu wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Kilaaba bin Murrata\‫ كالب بن مرة‬, oo
hooyadiisna ay tahay Hinda bintu Suraaji bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin
Kinaanah bin Khuzaymah\‫هند بنت سراج بن ثعلبة بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة‬. Kilaab
\‫كالب‬waa awoowaha shanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. (2)
Yaqthatu (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah, caynkana ka horreysa) bin Murrata ‫يقظة بن‬
\‫مرة‬, hooyadiisna waa Al Baariqiyyah\‫البارقية‬, oo ah haweeney u dhalatay qabiilka la yiraahdo
Baariq\‫ بارق‬oo ka tirsan Al Asad\‫ األسد‬ee reer Yamaneed\‫ يمن‬ah. Waxaa kaloo la yiri: hooyadiis
waa Taym\‫تيم‬.
Yaqthah\‫ يقظو‬wiilkiisa Makhzuum bin Yaqthata\‫ مخزوم بن يقظة‬waa awoowaha ay Qurayshta\‫قريش‬
reer Banii Makhzuum\‫ بني مخزو‬ku abtirsadaan, uuna ka dhashay Seefta Ilaahay ee Galka ka
siiban Khaalid bin Al Waliid\‫خالد بن الوليد‬, Allaha isaga iyo Asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, dhammaantood raalli ka noqdee. (3) Taym bin Murrata\‫تيم بن مرة‬,
oo ah ninkay ku abtirsadaan Qurayshta\‫ قريش‬Banii Taym\‫ بني تيم‬oo uu Abuu Bakar Al Ssiddiiqu
\‫ أبوبكر الصديق‬ka dhashay. Murratu bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬waxaa ku kulma nasabka Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo nasabaka Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin
Caamir\‫ عبد هللا بن عثمان بن عامر‬oo ah Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka
noqdee, oo Abuu Bakar Al Siddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬waa koofaar.
Kilaab\‫ كالب‬ilmihiisa
Kilaab bin Murrata\‫ كالب بن مرة‬wuxuu dhalay ilmaha soo socda: (1) Qusayy bin Kilaab ‫قصي بن‬
\‫كالب‬, oo ay isaga iyo walaalkiis Zuhratu\‫ زهرة‬iyo walaashiis Nucam\‫ نعم‬ay isku hooyo yihiin,
ayna dhashay Faadhimatu bintu Sacd bin Sayali\‫فاطمة بنت سعد بن سيل‬, oo u dhalatay Al Jadarata
\‫الجدرة‬, kana sii ah Jucthamatu Al Azd\‫ جعثمة األزد‬oo reer Yaman\‫ يمن‬ah, xulafana la ahaa reer
Banuu Al Diil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah\‫بنو الديل بن بكر بن عبد مناة بن كنانة‬.
Awooweheed Sayali\‫السيل‬, oo sayal\‫ سيل‬waxaa la yiraahdaa sabuulka, magaciisuna uu Khayru bin
Xamaalata\‫ خير بن حمالة‬yahay, wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo seefaha dahab iyo qalin ku
dheeha, oo ku qurxiya, waana madaxa iyo galka seefaha. (2) Zuhratu bin Kilaab\‫زهرة بن كالب‬. (3)
Nucam bintu Kilaab\‫نعم بنت كالب‬, oo ah hooyada dhashay Sacd\‫ سعد‬iyo Sucayd\‫سعيد‬, una dhashay
86
Sahm bin Camr bin Husays (waa laba saad) bin Kacb bin Lu’ayy ‫سهم بن بن عمر بن هصيص بن كعب بن‬
\‫لؤي‬
Caruurta Zuhra bin Kilaab \‫زهرة بن كالب‬
Kitaabka Jamharatu Nasabu Qurayshin wa Akhbaarihaa\‫ جمهرة نسب قريش وأخبارها‬waxaa dhigay
Al Zzubayru ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, oo ah dhasha Al Zzubayru bin Al Cawwaamu Al
Asadii\‫ الزبير بن العوام األسدي‬Xawaariga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam‫حواري النبي صلى هللا عليه وسلم‬, iyo ina eedadiisa Safiyyah bintu Cabdu Al Mudhdhalib\‫صفية بنت عبد المطلب‬, oo dhintay sanadka laba boqol iyo lix iyo konton Hijriga, laguna
daabacay Daaru Al Yamaamah Lil Baxthi wa Al Tarjamah wa Al Nashr ‫دار اليمامة للبحث والترجمة‬
\‫ والنشر‬ee ku taalla Riyaad\‫ رياض‬arliga Sucuudiga.
Al Zzubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬, wuxuu kitaabkiisa ku wariyay inuu Zuhrah bin
Kilaab\‫ زهرة بن كالب‬dhalay:
(Kow) Cabda Manaaf bin Zuhrah\‫عبد مناف بن زهرة‬, hooyadiisna ay tahay Jamal bintu
Fusayyah bin Sacd bin Mulayx bin Camr \‫ جمال بنت فصية بن سعد بن مليح بن عمرو‬, una dhalatay
qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬.
(Laba) Al Xaaritha bin Zuhrah\‫الحاث بن زهرة‬, hooyadiisna waa Cufaylah bintu Cabdu Al
Cuzzaa bin Ghiirata bin Cawf bin Qisiyyi \‫ عفيلة بنت عبد العزى بن غيرة بن عوف بن قسي‬, waana
Thaqiif bin Munabbah bin Bakr bin Hawaazin \‫ثقيف بن منبه بن بكر بن هوازن‬.
Zuhrah\‫ زهرة‬wuxuu ka tarmay xagga dhasha Al Xaarithu bin Zuhrah \‫الحارث بن زهرة‬,
madaxtinnimaduna waxay ku sugnayd dhasha Cabda Manaaf bin Zuhrah \‫عبد مناف بن زهرة‬.
Dhasha Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫عبد مناف بن زهرة‬
Cabdu Manaaf bin Zuhrah\‫ عبد مناف بن زهرة‬wuxuu dhalay:
(kow) Wahb bin Cabdu Manaaf\‫وهب بن عبد مناف‬, oo ah awoowaha Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, xagga hooyadiis, oo hooyada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waa Aaminah bintu Wahb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah ‫آمنة بنت وهب‬
‫بن عبد مناف بن زهرة‬. (laba) Uhayb\‫ أهيب‬iyo (Saddex) Qays\‫ قيس‬iyo (Afar) Abii Qays
Raakibu Al Bariidi‫أبو قيس راكب البريد‬. Wahb\‫ وهب‬hooyadiisna iyo hooyada dhashay
walaalihiisa waa Qaylatu ibnatu Abii Qaylah\‫قيلة بنت أبي قيلة‬. Abii Qaylah\‫أبي قيلة‬
magaciisuna waa Wajz bin Ghaalib bin Caamir bin Al Xaarith \‫وجز بن غالب بن عامر بن الحارث‬
waana (qabiilka) Ghubshaan\‫غبشان‬. Wajz\‫ وجز‬waa ninka la yiraahdo Abuu Kabshah \‫أبو كبشة‬
oo ahaa kan ugu horreeyey oo caabuda xiddigga la yiraahdo Al Sh-shicraa\‫( الشعرى‬oo ku
xusan Aayadda sagaal iyo afartan ee Suuratu Al Najmi \‫سورة النجم‬:
ِّ ‫ب‬
ُّ ‫َوأََّنهُ ُه َو َر‬
)49( ‫الش ْع َرى‬
“Wa nnahu Huwa Rabbu Al sh-shicraa(49)”,
oo macnihiisu yahay:
“Isaagana ah Rabbiga al shicraa(49).”),
87
wuxuuna oran jiray:
“Al Sh-shicra\‫ الشعرى‬waxay cirka u goysaa xagga ballaarkiisa, marka ugama jeedo Samada
shayna: qorrax iyo dayax iyo xiddig toona oo kale oo cirka u goynaya xagga ballaciisa
intaan xiddiggaas ahayn –oo inta kale waxay u gooyaan cirka dhererkiisa-“
Carabtuna waxay Al Sh-shicraa\‫ الشعرى‬ku magacawdaa Al Cabuura \‫– العبور‬oo ah kan
gooya- maxaa yeelay waxay u goysaa cirka xagga ballaciisa.
Quraysh\‫ قريش‬waxay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u nisbeyn jirtay Abuu
Kabshah\‫أبوكبشة‬, isagoo ah awoowihiisa xagga hooyadiis. Markaasuu markuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, diinta Quraysh\‫ قريش‬khilaafay, Ilaahayna uu
isaga dadka baadinnimada uga hanuuniyay, jaahilnimadiina cilmi uga saaray, ayay waxay
gaalada Qurayshi\‫ قريش‬tiri:
“waxaa jiitay Abuu Kabshah\‫أبوكبشة‬, maxaa yeelay Abuu Kabshah\‫ أبوكبشة‬wuxuu dadka ku
khilaafay inuu caabuday Al Sh-shicraa\‫الشعرى‬, isaguna wuxuu khilaafay diinta dadkiisa.”
Qabiilka Khuzaacah\‫ خزاعة‬waxay caabudi jireen xiddigaha kale.
Dhasha Wahb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah \‫وهب بن هبد مناف بن زهرة‬
Wahb bin Cabdu Manaaf wuxuu dhalay (Kow) Aaminah bintu Wahb\‫آمنة بنت وهب‬,
hooyada dhashay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
(Laba) Al Aswadu bin Cabdi Yaghuuth bin Wahb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah ‫األسود بن‬
‫عبد يغوث بن وهب بن عبد مناف بن زهرة‬, hooyadiisna waa Hunaydah ibnatu Maazin bin Caamir
bin Calqamah\‫هنيدة إبنة مازن بن عامر بن علقمة‬, oo reer Yaman ah\‫يمن‬.
Al Aswadu‫ األسود‬wuxuu ka mid yahay kuwa Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam ku jeesjeesi jiray (waxayna ahaayeen shan nin oo kale ah siduu Ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬
u wariyay, wuxuuna yiri:
“Sidaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amarka Ilaahay Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ تعالى‬ee gudbinta Risaalada ku taagnaa, isagoo rumaysan ajarna ku doonaya, tolkiisna
waaninaya una naseexeynaya inkastoo ay u geysanayeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin beenin
iyo dhibid iyo ku jeesjeesidba.
Madaxda ugu waaweyn ee kuwa ku jeesjeesana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
ahaayeen shan nin oo tolkiis ka mid ah, kuwaasoo tolkooda dhexdiisa makaan sare iyo
madaxtinnimo ku lahaa. Markaasey markay kusii adkaysteen oo ay sii wadeen shartooda, ayna
ku jeesjeeska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, badiyeen, ayuu Ilaahay
Tacaalaa wuxuu soo dejiyay Aayadaha afar iyo sagaashan iyo shan iyo sagaashan ee Suuratu Al
Xijris\‫سورة الحجر‬.
Shantaasi waxay kala ahaayeen:
(Kow) Al Aswadu bin Al Mudha-dhalib bin Asad Abuu Zamcah\‫األسود بن المطلب بن أسد أبو زمعة‬, oo
u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab ‫بني أسد بن‬
‫عبد العزى بن قصي بن كالب‬. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sida
isoo gaartay, habaaray kaddib markuu dhibaato u geystay, kuna jeesjeesay, wuxuuna yiri:
88
".‫"اللهم أعم بصره واثكله ولده‬
“Allaahumma acmi basarahu, wa athkilhu waladahu”,
oo macnihiisu yahay:
“Ilaahayow aragga tir oo indhoole ka dhig, wiilashana ka qaad oo gablami.”
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay
shantaas nini Kacbada ku dhawaafayaan. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬istaagay oo uu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhiniciisa istaagay. Markaasuu Al Aswadu bin Al
Mudh-dhalib‫ األسود بن المطلب‬soo maray. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu wajigiisa ku tuuray caleen
cagaaran. Markaasuu indho beelay.
(Labo) Al Aswadu bin Cabdi Yaghuuth bin Wahb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah ‫األسود بن عبد يغوث‬
‫بن وهب بن عبد مناف بن زهرة‬, oo u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Zuhrah bin Kilaab ‫بني زهرة بن‬
‫كالب‬.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬fartiisa calooshiisa ku fiiqay.
Markaasay biyo calooshiisa kasoo buuxsameen oo intuu fuuray u dhintay.
Riwaayad kalena oo uu Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬kitaabkiisa Al Duraru Al Manthuuri\‫ الدرر المنثورة‬ku
wariyay wuxuu yiri:
“Markay Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Xijri\‫ سورة الحجر‬soo degatay ayaa waxaa
soo degay Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, markaasuu dhabarka Al Aswadu\‫ األسود‬hor usoo laabay
oo iskusoo jebiyay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"!‫"خالي! خالي‬
“Khaalii, Khaalii”,
oo macnihiisu yahay:
“Abtigay, waa Abtigay”.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu ku yiri: “Iska daa.”
Markaasuu dhabarkiisa hore usoo laabay ilaa uu ka dilo.”
Waxaana Xadiithka wariyay Al Daaraaqudhniyyu \‫الدارقطني‬.
(Saddex) Al Waliidu bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum ‫الوليد بن‬
‫المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬, oo u dhashay Qurayshta reer Banii Makhzuum bin Yaqthah bin
Murrah\‫بني مخزوم بن يقظة بم مرة‬.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬fartiisa ku fiiqay dhaawac raystay oo uga yiillay darafta hoose ee ciribta
cagtiisa, oo sanooyin ka hor ku dhacay. Dhaawacaasna siduu ugu dhacay waxay ahayd sidatan:
isagoo maradiisa uu xiranyahay oo aad u dheereyd dhulka ku jiidaya ayuu soo ag maray nin
qabiilka Khuzaacah\‫ خزاعة‬u dhashay oo fallaaro uu lahaa baalal u sameynaya oo ku xiraya.
Markaasaa hoos guntigiisa waxaa qabsatay fallaar, oo markaas cagtiisa sidaas u dhaawacday.
Dhaawacasna wax sidaas usii ridan ma ahayn ee wax yar ayuuba ahaa. Markaase markuu Jibriil
\‫ جبريل‬fartiisa ku fiiqay ay boogtii dib u furantay oo uu u dhintay.
89
(Afar) Al Caasu bin Waa’il bin Hishaam\‫العاص بن وائل بن هشام‬, una dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer
Banii Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb\‫بني سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب‬.”
Ibnu Hishaamna\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
“Waa Al Caasu bin Waa’il bin Haashim bin Sucayd bin Sahm ‫العاص بن وائل بن هشام بن سعيد بن‬
\‫سهم‬.”
Markuu Al Caasu bin Waa’il‫ العاص بن وائل‬soo maray ayuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu fartiisa ku fiiqay
rays ma gaadhada cagtiisa. Markaas kaddib ayuu Al Caasu\‫ العاص‬wuxuu fuulay dameer uu
leeyahay isagoo doonaya inuu degmada Dhaa’if\‫ الطائف‬aado.
Markaasuu meel dariiqa ah wuxuu dameerkiisa ku xiray geed qodxa leh. Markaase qodaxi waxay
ka gashay cagtiisa, oo dishay, oo uu u dhintay.
(Shan) Al Xaarithu ibnu Al Dhulaadhilah bin Camr bin Al Xaarith bin Cabdi Camr bin Lu’ayy
bin Milkaan\‫ الحارث إبن الطليطلة بن عمرو بن الحارث بن عبد عمرو بن لؤي بن ملكان‬oo qabiilka
Khuzaacah\‫ خزاعة‬u dhashay. Markuu isaguna soo maray ayuu Jibriil\‫ جبريل‬madaxiisa farta ku
fiiqay. Markaasey isla markiiba malaxi kasoo buuxsantay madaxiisa oo ay dishay. Waa intaas
warka ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬,dambigiisa Allaha dhaafee.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬fartiisa calooshiisa ku fiiqay. Markaasay biyo calooshiisa kasoo
buuxsameen oo intuu fuuray uu dhintay. Riwaayad kalena oo uu Al Sayuudhii \‫السيوطي‬
kitaabkiisa Al Duraru Al Manthuuri\‫ الدرر المنظور‬ku wariyay wuxuu yiri:
“Markay Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Xijri\‫ سورة الحجر‬:
)95( ‫ين‬
َ ‫إَِّنا َكفَ ْي َن‬
َ ِ‫اك اْل ُم ْستَ ْه ِزئ‬
“Innaa kafaynaaka al mustahzi’iina(95).” Oo macneheedu yahay:
“Annagaa kaaga filnaanay kuwa jeesjeesa(95)”.
soo degatay ayaa waxaa soo degay Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, markaasuu dhabarka Al
Aswadu\‫ األسود‬hor usoo laabay oo iskusoo jebiyay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "!‫“"خالي!خالي‬Khaalii, Khaalii”, oo macnihiisu yahay
“Abtigay, waa Abtigay”. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu ku yiri: “Iska daa.” Markaasuu
dhabarkiisa hore usoo laabay ilaa uu ka dilo.” Waxaana Xadiithka wariyay Al Daaraaqudhniyyu
\‫الدارقطني‬.
Dhasha Uhayb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah\‫أهيب بن عبد مناف بن زهرة‬
Uhayb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah\‫ أهيب بن عبد مناف بن زهرة‬, oo ah Wahb\‫ وهب‬walaalkiis,
dhashiisa waxaa ka mid ah
(kow) Sacd bin Abii Waqqaas\‫سعد بن أبي وقاص‬, hoyadiisna waa Xamnatu ibnatu Abii
Sufyaan ibnu Umayyah bin Cabda Shams\‫ حمنة إبنة إبي سفيان إبن أمية بن عبد شمس‬, oo ahaa kan
ugu horreeya oo islaamka dhexdiisa Ilaahay daraadiis fallaar u gana. Sacd \‫ سعد‬wuxuu ka
mid yahay tobanka jannada loogu bishaareeyey iyo lixda Asxaabu Al Sh-shuuraa ‫أصحاب‬
‫ الشورى‬ee Cumar\‫ عمر‬magacaabay iyo Asxaabu Badr\‫أصحاب بدر‬, (iyo Uxud\‫ أحد‬iyo
Mashaahiddo oo idil oo uu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam ka qayb galay). Abii Waqqaas \‫ أبي وقاص‬magaciisuna waa Maalik\‫مالك‬.
90
(Laba) Makhramah bin Nawfal bin Uhayb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah ‫مخرمة بن نوفل بن‬
\‫أهيب بن عبد مناف بن زهرة‬, hooyadiisna waa ibnatu Abii Sayfiyyi bin Haashim bin Cabdi
Manaaf bin Qusayy\‫إبنت أبي صيفي ين هاشم بن عبد مناف‬.
Makhramah\‫ مخرمة‬wuxuu dhalay wiilkiisa Al Miswaru bin Makhramah \‫المسور بن مخرمة‬,
hooyadiisna waa Caatikah bintu Cawf bin Cabdi Cawf \‫عاتكة بنت عوف بن عبد عوف‬, oo
Muhaajirad\‫ مهاجرة‬ahayd, hooyadeedna waa Al Sh-shifaa’u bintu Cawf bin Cabdi ‫الشفاء بنت‬
\‫عوف بن عبد‬, ayaduna Muhaajirad\‫ مهاجرة‬ahayd, waana hooyada dhashay Cabdu Al
Rraxmaanu bin Cawf\‫عبد الرحمن بن عوف‬, oo Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf ‫عبد الرحمن بن‬
‫ عوف‬waa abtiga Al Miswaru\‫ المسور‬oo wuxuu la dhashay hooyadiis oo ay isku hooyo iyo
isku aabe yihiin
Dhasha Al Xaarithu bin Zuhrah \‫الحارث بن زهرة‬
Dhasha Al Xaarithu bin Zuhrah\‫ الحارث بن زهرة‬, oo ah Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫عبد مناف بن‬
\‫ زهرة‬walaalkiis, waxaa ka mid ah (Kow) Cabdi bin Al Xaarith bin Zuhrah ‫عبد بن الحارث بن‬
‫ زهرة‬iyo (Laba) Cabdu Allaahi bin Al Xaarith bin Zuhrah \‫عبد هللا بن الحارث بن زهرة‬,
hooyadoodna waa Qaylatu bintu Abii Qaylah Abii Qaylah\‫ قيلة بمن أبي قيلة‬magaciisuna waa
Wajz bin Ghaalib bin Caamir bin Al Xaarith waana Ghubshaan ‫وجز بن غالب بن عامر بن الحارث‬
\‫الغبشاني‬. Wuxuu kaloo dhalay (Saddex) Wahb bin Al Xaarith bin Zuhrah ‫وهب بن الحارث بن‬
‫زهرة‬, ciribna ma reebin, iyo (Afar) Camr bin Al Xaarith bin Zuhrah \‫عمرو بن الحارث بن زهرة‬.
Ciribta dhasha Al Xaarithu bin Zuhrah \‫ الحاث بن زهرة‬waxay ku jirtaa dhasha Cabdi bin Al
Xaarith bin Zuhrah\‫عبد بن الحارث بن زهرة‬, oo caruurtiisa waxaa ka mid ah Cabdu Al
Rraxmaanu bin Cawf bin Cabdi Cawf bin Cabdu bin Al Xaarith bin Zuhrah ‫عبد الرحمن بن‬
‫( عوف بن عبد الحارث بن زهرة‬ninkaan ayaana dhalay qabiilka soomaaliyeed oo Shaanshi la
yiraahdo).
Waa intaas warka Al Zzubayru ibnu Al Bakkaar\‫الزبير بن البكار‬.
Cabdu Al Xamiid Juudah Al Saxxaar/‫ عبد الحميد جودة السحار‬wuxuu yiri:
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis waa Aaminata bintu Wahab bin
Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab (oo ay nasabka Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Aaminah\‫ آمنة‬ku
kulmaan) bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫آمنة بنت وهب بن عبد مناف بن‬
/‫ زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Aaminah hooyadeed waa Barrata bintu Cabdu Al Cuzzaa bin Cuthmaan bin Cabdu Al Ddaar bin
Qusayyi bin Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫برة بنت عبد العزى بن عثمان‬
‫ بن عبد الدار بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Barrata\‫ برة‬hooyadeed, oo ah Aaminah‫ آمنة‬ayeydeed, waa Ummu Xabiib bintu Asad bin Cabdu
Al Cuzzaa bin Qusayyi bin Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫أم حبيب‬
‫ بنت أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬oo ninka Quraysh\‫ قريش‬la
yiraahdo ah.
91
Ummu Xabiib\‫ أم حبيب‬hooyadeed waa Barrata bintu Cawf bin Cubayd bin Cuwayj bin Cadiyyi
bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr oo nin Quraysh la yiraahdo ah ‫برة بنت عوف بن عويج بن‬
‫عدي بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬.
Aaminah bintu Wahab‫ آمنة بنت وهب‬waxay ahayd gabadha Quraysh/‫ قريش‬ugu sarreysa xagga
nasabka iyo xagga makaankaba, waxayna ahayd qabadha ugu qurux badan Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Qabiil walba intuu midka kale ka sharaf badan yahay oo uu ka madaxsanyahay ayay guryihiisu
Kacbada kuwa kale uga dhowaayeen. Reer Banii Zuhrata/‫ بني زهرة‬iyo reer Banii Haashim ‫بني‬
/‫ هاشم‬guryohooda ayaa Kacbada ugu dhowaa, labadaasoo ahaa labada qabiil oo Carab oo idil
ugu sharaf badnaa.
Xijaabidda Aaminah\‫آمنة‬
Halkaas ayay Aaminah\‫ آمنة‬ku noolayd ayadoo kusoo kortay guriga aabeheed iyo hooyadeed.
Markaasaa maalin maalmaha ka mid ah ayay caruurnimada ka baxday oo ay gabarnimo gaartay.
Markaasey aabeheed iyo hooyadeed soo wadeen, ayna geeyeen Daaru Al Nadwah /‫دار الندوة‬, oo
ahaa guri dhagax ka dhisan oo Kacbada agteeda ku yiillay oo ay Quraysh\‫ قريش‬taladeeda ku
goosan jirtay, ay isku guursan jirtay, caruurta lagu gudi jiray, dadka qaanta iyo dacwada isku
haysta loogu kala gar qaadi jiray.
Daartaas waxaa gacanta ku hayey reer Banii Cabdu Al Ddaar bin Qusayyi/‫بني عبد الدار بن قصي‬, in
kastoo uu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬hoggaamiyaha Quraysheed ahaa, hayayna Al
Siqaayata/‫ السقاية‬iyo Al Rifaadata/‫الرفادة‬. Waxaa Aaminah‫ آمنة‬daartaas loo keenay in la marsiiyo
tillaabooyinkii ama maraasimtii loogu xijaabi lahaa, sida gabdhaha Quraysheed \‫ قريش‬ee Makkah
\‫ مكة‬loo xijaabi jiray oo kale. Markay daartaas timid, ayaa qofkii xafladdaas u xilsaarnaa intuu
cambuurkeeda daraf ka dillaaciyay ayuu wajigeeda ku daboolay oo xijaabay.
Xijaabku wuxuu astaan u ahaa inay Aaminah‫ آمنة‬xijaabatay, oo markaas laga bilaabo ayan arki
karin indho rageed oo aan ahayn kuwa muxrimiinteeda ah, sida aabeheed, adeerkeed,
awooweheed, iwm. Sidoo kale waxaa isla meeshaas lagu xijaabay ina adeerteed Haalata bintu
Wuhayb‫هالة بنت وهيب‬. Markaas kaddib ayaa waxaa guryaha reer Banii Zuhrata/‫ بني زهرة‬timid
Wahab/‫وهب‬, Aaminah aabeheed, eedadiis, magaceeduna Sawdah/‫ سودة‬ahaa.
Aaminah\‫ آمنة‬iyo Sawdah\‫سودة‬: “waa middaan midda Nathiirka dhali doonta”
Sawdata/‫ سودة‬waxay ahayd kaahinadda Quraysh\‫قريش‬, oo waxay uga faallin jirtay waxyaalka
soo socda oo mustaqbalka imaan doona, waxayna akhrin jirtay oo ay ku faalin jirtay xiddigaha
cirka ku yaallah. Sawdata\‫ سودة‬waxay ahayd haweeney soomid badan, si uu ruuxeedu xiriir ula
yeesho samada kore, waxyaalo ay odorostayna wayba dhaboobeen oo la arkay. Markaasey
waxay Qurayshi tiri: "Nuurka Ilaahay ayay wax ku aragtaa."
Xijaabidda Aaminah\‫ آمنة‬kaddib ayay Sawdata\‫ سودة‬waxay timid gurayaha wiilkay eedada u
tahay ee Wahab\‫وهب‬, kaasoo ahaa hoggaamiyaha iyo madaxa reerka Banii Zuhrata/‫بني زهرة‬.
92
Markaasaa waxaa halkaas ugu yimid oo soo booqday haweenka iyo gabdhaha reer Banii Zuhrata
/‫بني زهرة‬.. Sawdata\‫ سودة‬indheheeduna waxay ahaayeen bulug, waxayna ahayd haweeney
foolxun, waxayse ahayd kaahinadda Qurash\‫ قريش‬u faalisah.
Markay fariisatay ayey haweenkii reer Banii Zuhratana/‫ بني زهرة‬hareereheeda fariisteen, oo ay
indhihii oo idil xaggeeda u jeesteen, dhegihii oo idilna ay feejignaadeen. Markaasey Sawdata
‫ سودة‬wajiyada haweenka hareereheeda fadhiyah si qoto dheer u dhugatay oo ay ugu kuur gashay,
kaddibna waxay tiri:
"Reer Banii Zuhrow‫بني زهرة‬, waxaa idinku jirta haweeney Nathiiradah\‫( نذيرة‬oo macneheedu
yahay mid, sida Rususha Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, dadka cadaabta
Rabbi uga digtah) ama nin Nathiir\‫ نذير‬ah dhali doontah. Marka haweenkiinna ii soo bandhiga."
Markaasaa la wada aamusay, ayadoo ay hooyo walba ee reerkaasi ay rajeyneyso inay ayada
gabadheedu noqoto midda Nathiiradda\‫ النذيرة‬ah ama midda ninka Nathiirka\‫ النذير‬ah dhali
doontah. Sidaas ayay hooyo walba gabadheeda ay horteeda usoo fariisisay, oo ay faalisadu ugu
kuur gashay. Sidaas ayay haweeneyda la yiraahdo Barrata bintu Cabdul Cuzzaa/‫برة بنت عبد العزى‬
gabadheeda Aaminatu bintu Wahab/‫ آمنة بنت وهب‬kaahinadda soo hor fariisisay.
Markaasey faalisadu si dhug leh ugu fiirsatay oo ay ugu kuur gashay, ayna labada dalool ee
sanka gabadha dhugatay, oo ay gabadhana dhinac walba ka eegtay.
Haweenkii meesha fadhiyay waxay dareemeen sida dhugta leh oo ay kaahinaddu Aaminah ‫ آمنة‬u
baareyso, markaasey wada aamuseen, oo ay sidaas goobtii oo idil ku xasishay. Markay
baariddeeda dhammaysay ayay kaahinaddii ayadu isla hadashay oo ay nuunaastay, oo ay
guryantay, oo ay wajiga kuduudday, intaas kaddibna uu wajigeeda farax iyo qalbi qaboobid ka
muuqdeen, sida ayadoo warkay goobeysey lagu soo riday, bashimeheeduna ay dhaqdhaqaaqeen.
Markaasuu dareenka iyo dhegaha haweenkii goobjoogga ahaa oo idil xaggeeda uso jeesteen.
Markaasey waxay tiri:
"Waa middaan midda Nathiirka\‫ النذير‬dhali doontah."
Markaasey indhihii oo dhan Aaminah|‫ آمنة‬soo wada fiiriyeen, oo ay sidaas uga xishood siiyeen,
ayadoo uu ayada qalbigeeduna farax ka buuxsamay.
Waxaa sidoo kale kaahinaddaas la soo hor fariisiyay Haalata bintu Wuhayb/‫ هالة بنت وهيب‬oo ay
Aamina‫ آمنة‬ilmo adeer yihiin ayadoo labadooda aabbe ay walaalo yihiin. Markaasey kaahinaddii
u kuur gashay, kaddibna sida ayadoo kitaab ka akhrineysa oo kale ayay waxay ugu sheegtay inay
guursan doonto hoggaamiye ka mid ah madaxda Quraysheed\‫قريش‬, kaasoo madaxtinnimadii oo
idil ay isaga isugu imaan doonto oo ay u sugnaan doonto, wiilkay u dhali doontana uu
shahiidnimo ku dhiman doono, waxayna Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬u dhashay
Xamzah/‫ حمزة‬oo Uxud/‫ أحد‬ku shahiiday. Waxyaalo kale oo qurxoonna oo fiicfiicanna way u
sheegtay.
93
Aaminah\‫ آمنة‬waxaa guursaday Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد هللا بن عبد المطلب‬,
habeenkay isla aqal galeenna waxay qaadday uurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Muddo gaaban kaddib, Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu raacay Safarka Quraysheed\‫ قريش‬ee aaday
Ghazzah/‫ غزة‬ee arliga Falasdhiin/‫فلسطين‬, markuu kasoo laabtayna wuxuu ku dhintay oo lagu
aasay Al Madiinah Al Munawwarah/‫المدينة المنورة‬.
Sawdaa'a bintu Zuhrah\‫سودة بنت زهرة كاهنة قريش‬: kaahinadda Quraysh
Haweeneyda la yiraahdo Sawdaa'a bintu Zuhrah bin Kilaab ‫ سودة بنت زهرة‬waxay ahayd
kaahinadda Quraysh\‫كاهنة قريش‬.
Sawdah‫ سودة‬a markay dhalatay oo uu aabeheed arkay inay indheheedu midabka bulugga ah
yihiin, wajigana ay ku leedahay shaamah, oo ah meel yar oo dhabanka gudahiisa hoos ugu riixan,
wajigana qurxisa, ayuu wuxuu amray in ayadoo nool la duugo, ayagoo gabdhaha tilmaamahaas
leh nolol duugi jiray.
Markaasuu wuxuu u diray qubuuraha Al Xujuun/‫الحجون‬, si halkaas loogu duugo. Markaasuu
ninkii godka qodayey markuu qabriga u qoday, uuna damcay inuu ku rido oo uu ku duugo, ayuu
haatif maqlay oranaya:
"gabadha nolol ha ku duugin, arligana u daa".
Haatif\‫ هاتف‬waa wax warkiisa la maqlo, muuqaalkiisase aan loo jeedin, oo sidaasey Carabtu
telefoonka haatif\‫ هاتف‬u tiraahdaa, adigoo qofka hadalkiisana maqlaya, muuqaalkiisase aan u
jeedin.
Markaasuu ninku dhanka warku uga yimid u jeestay, waxna wuu arki waayey. Markaasuu dib
ugu laabtay inuu gabadha duugo. Markaasuu haatifkii hadana maqlay oo erayo kale ku hadlaya,
isla macnahaas-se ah inuusan gabadha duugin. Markaasuu aabeheed usoo celiyey, uuna wuxuu
maqlay u sheegay.
Markaasuu aabeheed wuxuu yiri:
"arrin iyo mustaqbal ayey leedahay", uuna nolosha u daayey, uusanna duugin.
Markaasey gabadhaasi markay weynaatay kaahinadda Quraysh\‫ قريش‬noqotay. Sawdaa'a\‫سودة‬
waxay maalin maalamaha ka mid ah qabiilka Quraysheed‫ قريش‬ee reer Banuu Zuhrah\‫ بني زهرة‬ku
tiri:
"waxaa idinku jirta haweeney nathiirad\‫ نذيرة‬ah (digaysa) ama mid nathiir\‫ نذير‬ah dhaleysa.
Marka gabdhihiinna ii soo bandhiga oo ii keena."
Markaasaa gabdhaha reer Banuu Zuhra\‫ بني زهرة‬loo keenay, oo loo soo bandhigay. Markaasey
gabar walba oo gabdhahaas ka mid ah wax ku tiri, waxaasoo muddo gaaban kaddib la arkay oo
soo ifbaxay.
Markaasaa waxaa loo keenay, oo loo soo bandhigay Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬.
Markaasey waxay tiri:
"middaan weeye nathiiraddu, ama nin nathiir ah ayay dhaleysaa.", waana war dheer oo uu Al
Zubayru/‫ الزبير‬wax yar ka wariyay, dhammaantiisana uu wariyay Abuu Bakar Al Naqqaashu ‫أبو‬
94
/‫بكر النقاش‬. Warkaasna waxaa ku jira xusidda Jahannama/‫– جهنم‬Allaha Sarreeya ha naga magan
geliyee- ayadoo uusan magaca Jahannama/‫ جهنم‬agtooda laga aqoon (waagaas). Markaasey
waxay ku yiraahdeen:
"Jahannama maxay tahay?"
Markaasey waxay tiri:
"waxaa warkeeda idiin sheegaya nathiirkeeda\‫( النذير‬midka ka digaya)."
Mucjizaadka markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam calool galay iyo intuu ku jirayba
Markay Aaminah\‫ آمنة‬qaaday uurka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo
intay sidayba, waxaa soo if baxay oo la arkay waxyaalo la yaab leh. Markuu dhashayna, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu adduunkaan dhexdiisa ku ahaadayna, waxaa la arkay
mucjizooyin iyo umuuro lala yaabo.
Markay dhibicda laga abuuray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee daahirka ah ee la mahdiyo
kaamilkana ah, oo sida durrah-da\‫ درة‬oo kale ah (durraduna waa xabbadda luulka ah ee weyn oo
qiimaha badan) ay ku sugnaatay riximka hooyadiis, oo la mid ah bacoosha xabbadda luulka ahi
ku dhex jirto oo ilaalisa lana yiraahdo sadfah/‫( صدفة‬waa saadka shiin ku xigah) Aaminah Al
Qurashiyyah\‫آمنة القرشية‬, oo markay intaasi sugnaatay ayuu Malag dhawaaqay Samaawaadka
dhexdooda oo uu yiri:
"Udgiya meelaha daahirka ah oo sharafta leh, kuna muujiya samaawaadka iyo hareerohoodaba
calaamadaha weynaynta farax Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu farxay
daraadeed, waxaadna fidisaan kadiifadaha lagu tukado, una dhigtaan safsaf, waxaadna u fidisaan
si ay u cibaaadeysato cibaadeysi uu qalbigu Ilaahay khaalis u yahay oo yasayna inta isaga kasoo
harta, Malaa'igta Muqarrabiinta ah oo Ilaahay u dhow, oo ah runlowyaal iyo kuwo awaamirta
Ilaahay oofiya. Waxaadna isku diyaarisaan cibaadeysi iyo muujinta faraxa aad u faraxsan tihiin
Al Musdhafaa/‫ المصطفى‬midka Ilaahay doortay oo xaqqana soo muujin doona, baadhilkana burin
doona. Waxaadna sidaas u yeeshaan ayadoo uu Al Nuuru Al Maknuunu/‫ النور المكنون‬oo ah
Nuurkii Dahsoonaa, oo indhaha ka qarsoonaa, kuna kaydsanaa dhabarrada, Aadan \‫ آدم‬laga soo
bilaabo ilaa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, uu usoo wareegay caloosha Aaminah/‫آمنة‬, gabadha leh
caqliga muuqda oo kuwa kale caqligooda ka sarreeya, ayadoo uu Ilaahay siiyay qurux iyo
kaamilnimo iyo caqli, uuna dadkeedu ugu yeeri jiray Xakiimadda/‫ حكيمة قومها‬tolkeed, una
saaxiibka ah ammaanta iyo gobannimada laan dheeraanta nasabka tolkeeda, kana ilaalsan wixii
wax u dhimi karaba.
Ayaduuna Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ku gooni yeelay guursiga Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo
Sayyidkaan Al Musdhafaa/‫ المصطفى‬oo ah midka la doortay oo xabiibka la jecelyahay ah.
Ilaahay wuxuu ayada fadligaas ugu gooni yeelay ayadoo tolkeeda ugu fadli badan xagga
gobannimada, dhashayna kooda tolkiis ugu sarreeya, ayadaana ugu daahirsan xagga akhlaaqda
iyo faraca uguna fiican. Sidaasuu Ilaahay wuxuu u dooray midkuu Isagu doortay inay hooyo u
ahaato midda tolkeeda ugu fadli badan, una qalanta inay adduunkaan uso if bixiso nuurkiisa iyo
ahaanshihiisa."
95
Al Tusturi/‫التستري‬
Sahal bin Cabdu Allaahi bin Yuunis bin Cabdu Allaahi bin Rufayc Al Tusturii ‫سهل بن عبدج هللا بن‬
‫يونس بن رفيع التستري‬, caalinka isagoo kale aan la arag iyo cabsidiisa Ilaahayba, oo karaamooyinka
caanka ah lahaa, laguna oofsaday Basra/‫ بصرة‬ee Dalka Ciraaq/‫ عراق‬sanadka laba boqol iyo
saddex iyo toddobaatan, kuna dhashay Tustur/‫ تستر‬oo ku taalla gobolka Ahwaaz/‫ أهواز‬ama
Juuzistaan/‫جوزستان‬, magaaladaas oo loo nisbeeyey markuu sanadku ahaa laba boqol iyo kow,
wuxuuna yiri, siduu u wariyay Al Xaafith Al Khadhiib Al Baghdaadii Abuu Bakar Axmad ‫الحافظ‬
‫الخطيب البغدادي أبو بكر أحمد‬:
"Markuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬doonay inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ku abuuro caloosha Aaminah/‫ آمنة‬habeenka koowaad ee bisha Rajab/‫رجب‬, ahaydna habeen
Jimce/‫( جمعة‬markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam calool galayna waxay ahayd habeen Isniin
ah, oo ah habeenkuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬Aaminah\‫ آمنة‬kula aqal galay, siduu u wariyay Al
Zubayr ibnu Al Bakkaar/‫الزبير أبن البكار‬, shicibka oo ah guri ku yiillay dhulka uu lahaa Abuu
Dhaalib/‫ أبو طالب‬Jamratu Al Wusdhaa/‫ الجمرة الوسطى‬agteeda ee Minaa/‫)منى‬, Ilaahay Tacaalaa ‫هللا‬
‫ تعالى‬wuxuu habeenkaas Malagga Maamula Jannada, fureheedana haya, lana yiraahdo
Ridwaan/‫رضوان‬, ku amray inuu Jannada Firdawsah‫ جنة الفردوس‬furo, Jannadaanoo ah midda ugu
sarreysa darajooyinka Jannada, ayadana ay ugu korreyso barta ka mid ah ee la yiraahdo Al
Wasiilatu/‫الوسيلة‬, oo uu leeyahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taasoo
caddeyneysa karaamadiisa uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Ilaahay agtiisa ku leeyahay".
Markaasuu Malag la dhawaaqay Samaawaadka iyo Arliga oo uu yiri:
"Waxaa hubaal ah inuu nuurkii qarsoonaa oo kaydsanaa oo uu ka ahaan doono Nabiga wax
hanuuniya, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caawadaan ayuu ku xasilayaa caloosha
Aaminah/‫آمنة‬, halkaasoo ay abuuriddiisu ku kaamilmeyso, wuxuuna usoo bixi doonaa dadka
isagoo ah Bashiiran/‫بشيرا‬, oo Muslimiinta Jannada ugu bishaareeya, iyo Nathiiran /‫نذيرا‬, oo
gaalada Naarta uga digah".
Riwaayada Kacb Al Axbaar/‫ كعب األحبار‬waxay ayaduna leedahay:
"Habeenkaas uu Al Musdhafaa\‫ المصطفى‬calool galay, waxaa Samada iyo hareereheedaba looga
dhawaaqay iyo Arliga oo idil inuu Nuurka Dahsoon oo uu ka ahaan doono Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo jirkiisa laga samayn doono, u wareegay caloosha
hooyadiis, taasoo heshay Dhuubaa/‫طوبى‬.
Maalintaasna asnaamtii adduunka oo idil waxay dhammaantood usoo hoobteen oo ay usoo
daateen wajiyadooda.
Waqtigaas Quraysh\‫ قريش‬waxaa haysay abaar daran, waxayna ku sugnaayeen, sidaas daraadeed,
shiddo iyo ciriiri. Markaasuu arligu cagaar noqday iyo barwaaqo, geedihiina ay miro dhaleen oo
ay la liiceen, waxaana u yimid oo ay heleen khayr badan, oo dhan walba uga yimid.
Markaasaa sanadkaas uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, calool galay
waxaa loo bixiyay Sanatu Al Fatxi/‫ سنة الفتح‬wa Sanatu Al Ibtihaaji/‫سنة اإلبتهاج‬, oo ah sanadka wax
siinta Ilaahay iyo sanadka faraxa. Waxaa kaloo sanadkaas loo bixiyay Dhuubaa /‫ طوبى‬waxaa
96
weeye midda suuban oo fiican oo khayrka leh iyo Al khiyaratu /‫ الخيرة‬oo ah midda shay kulligiis
ka sarreysa oo ka fiican oo ka khayr badan. Qaar kale waxay Dhubbaa\‫ طوبى‬ku fasireen oo ay
yiraahdeen: waa farax iyo il qabawsi.
Al Daxaak/‫ الضحاك‬wuxuu yiri: Dhuubaa/‫ طوبى‬waa siinta Ilaahay, oo ah siinta wax uusan qofna
isagu kasban, magaciisuna waa Al Daxaak bin Mizaaxim Al Kilaabii Al Balkhii ‫الضحاك بن مزاحم‬
‫الكلبي البلخي‬, oo loo nisbeeyey magaalada Balkh/‫ بلخ‬oo Khuurasaan/‫ خرسان‬ku taalla, maantana
Iiraan ka tirsan, wuxuuna lahaa kitaab tafsiir ah,wuxuuna dhintay boqol iyo shan ama boqol iyo
lix ee Hijrada.
Cikrimah bin Cabdu Allaahi Al Barbarii/‫عكرمة بن عبد هللا البربري‬, mawlihii Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬,
Abuu Cabdu Allaahi/‫ أبو عبد هللا‬oo reer Al Madiinah\‫ المدينة‬ahaa, mufassirka ahaa iyo Xaafithka,
dhintayna sanadka boqol iyo shan ama boqol iyo lix ama boqol iyo toddoba Hijrada, wuxuu yiri:
"Dhuubaa/‫ طوبى‬waa nicam/‫نعم‬, oo ah nicmooyin."
Xadiithna waaba tuu kusoo arooray oo uu Al Tarmithii/‫ الترمذي‬ka wariyay Zayd bin Thaabit ‫زيد بن‬
/‫ ثابت‬inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإن ألمالئكة باسطة أجنحتها عليها‬،‫"طوبى للشام‬
"Dhuubaa lil Shaami, fa inna Al Malaa'ikata baasidhatun ajnixatihaa calayhaa",
oo macneheedu yahay:
"Khayr ayaa Shaam\‫ الشام‬u sugnaaday, maxaa yeelay Malaa'igta ayaa korkeeda baalasheeda ku
fidisa."
Shan kun oo saxaabi ayaa Shaam\‫ الشام‬galay
Ibnu Casaakir/‫ إبن عساكر‬wuxuu kitaabkiisa taariikhda ku wariyay inay Shaam\‫ الشام‬galeen toban
kun oo indhood oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aragtay.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Aaminah\‫ آمنة‬jannada gelayaan inshaa’a Allaahu\‫هللا‬
‫إن شاء‬
Dhuubaa\‫ طوبى‬waxaa kaloo la yiraahdaa Jannada iyo geed Jannada ku yaallaba. Caalinka
Taariikhu Al Khamiis/‫ تاريخ الخميس‬dhigay wuxuu ku yiri:
"Waxaa dhubaa-daas\‫ طوبى‬uu Malaggu yiri lagu fasiri karaa Jannada iyo geedkaba, ayadoo ay
aabihiis iyo hooyadiisba, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay Jannada gelayaan, ayadoo uuba
Malag sidaas ugu bishaareeyey, oo ay dhici karto inuu Ilaahay ogeysiiyay siday ku dambeyn
doonaan, isaguna uu ugu bishaareeyo."
Aaminah\‫ آمنة‬markay Uurkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
qaaday Ilaahay ayay magangelisay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay Xadiith inuu dadku ku sheekeysto oo ay ku hadlaan inay
Aaminah‫ آمنة‬ku warrantay in ayadoo huruda loo yimid, oo ay ku riyootay markay uurka Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Waasallam qaaday (oo markay dhalaysey fool ka fool ayaa loogu yimid
ayadoo soo jeedda siduu caalinka Shaam\‫ الشام‬wariyay), waxaana lagu yiri:
97
"‫"إنك قد حملت بسد هذه األمة‬
"Innaki qad xamalti bi Sayyidi haathihi al ummati", oo macneheedu yahay:
“Adi waxaad qaaday uurka sayyidka/hoggaamiyaha/madaxa ummaddaan.”
wa qaalat/‫وقالت‬: waxay tiri:
,‫ وال وحمنا كما تجد النساء إال أني انكرت رفع حيضتي‬,‫ وال وجدت له ثقال‬,‫"ما شعرت بأني حملت به‬
‫وأتاني آت وأنا بين ألنائمة وأليقظانة فقال هل شعرت بأنك قد حملت بسيد أالنام؟ ثم أمهلني حتى إذا دنت‬
".‫والدتي اتاني فقال ليي قولي أعيذه بالواحد من شر كل حاسد ثم سميه محمدا‬
"Maa shacartu bi annii xamaltu bihi, wa laa wajadtu lahu thaqlan, wa laa waxman kamaa
tajidu al nnisaa'u illaa annii ankartu rafca xiidatii, wa ataanii aatin wa anaa bayna al
nnaa'imata wa al yaqthaanata fa qaala: "Hal shacarti bi annaki qad xamalti bi Sayyidi al
anaami?" Thumma amhalanii xattaa ithaa danat walaadatii ataanii fa qaala lii: "Quulii:
uciithuhu bi al Waaxidi/Min sharri kulli xaasidin, thummaa sammiihi Muxammadan".
Xadiithkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaad qaaday oo aad siddaa Sayyidka Ummaddaan (isagoo run ahaantiina ah hoggaamiyaha
iyo Sayyidka ummadihii hore iyo kuwa dambeba, waxaase markaan ummaddaan loogu soo
koobay isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ayada ku leh amrid iyo ka reebid, isagoo, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Nabigeeda iyo Rasuulkeeda ah).
Aaminah\‫ آمنة‬waxay kaloo ku warrantay oo ay tiri:
"Ma aanan dareemin inaan uurkiisa qaaday, culaysna ma aanan dareemin iyo jamasho midna,
siday haweenku u dareemaan oo kale, waxaanse la yaabay inay caadadii iga go'day. Markaasaa
waxaa ii yimid mid yimaada anigoo u dhexeeya soo jeedid iyo hurdo, markaasuu wuxuu yiri:
"Miyaad ogaatay inaad qaaday uurka hoggaamiyaha khalqiga oo idil (jinniga iyo insiga iyo inta
kaleba)?
Markaasuu ii kaadiyaya ilaa ay dhaliddeydu ka soo dhowaato oo uu hadana ii yimid uuna igu
yiri:
"Markaad dhashid waxaad tiraahdaa:
".‫"أعيذه بالواحد من شر كل حاسد ثم سميه محمدا‬
Uciithuhu/‫( أعيذه‬waxaan ka magan gelinayaa) bi Al Waaxidi/‫( بالواحد‬Midka ahaanshihiisa iyo
Magacdiisa iyo Sifooyinkiisaba Keligiis ku ah oo uusan axadna la wadaagin), Min Sharri/‫من شر‬
(sharta ayaan ka magangeliyay) Kulli/‫( كل‬Kulli mid kasta) Xaasidin/‫( حاسد‬Oo xaasid ah),
Thumma/‫( ثم‬Intaas kaddibna) Sammiihi/‫( سميه‬Waxaad ku magacawdaa oo aad u bixisaa)
Muxammadan/‫( محمد‬Oo Muxammada u bixi)".
Awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬wuxuu isaguna ku riyooday isago lagu amrayo
inuu wiilka wiilkiisa Muxammad/‫ محمد‬u bixiyo, oo sidaasey hooyadiis iyo awoowihiis, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Muxammad ugu bixiyeen.
98
Riwaayad kale oo uusan Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬warinna waxay warisay in Aaminah/‫ آمنة‬intaas
kaddib lagu yiri:
"‫"وعلقي عليه هذه التميمة‬
"Wa calliqii calayhi haathihi al tamiimati"
oo macneheedu yahay:
"Xirsigaanna u xir".
Aaminah/‫ آمنة‬oo hadalkeeda sii wadatana waxay tiri:
:‫فانتبهة وعند رأسي صحبفة من ذهب مكتوب فيها هذه النسخة‬
‫أعيذه بالواحد من شر كل حاسد‬
‫وكل خلق رائد من قائم وقاعد‬
‫على الفساد جاهد‬/‫عن السبيل حائد‬
‫وكل خلق مارد‬/‫من نافث وعاقد‬
‫في طرق الموارد‬/‫يأخذ بالمراصد‬
"Fa intabahtu wa cinda ra'sihi saxiifatun min thahabin maktuubun fiihaa haathihi al
nuskhatu:
1. Uciithuhu bi Al Waaxidi Min sharri kulli xaasidin
2. Wa kulli khalqin raa'idin Min qaa'imin wa qaacidin
3. Can Al Sabiili xaa'idin/
Calaa al fasaadi jaahidin
4. Min naafithin wa caaqidin
Wa kulla khalqin maaridin
5. Ya'khuthu bi al maraasidi
Fii dhuruqi al mawaaridi
Oo macneheedu yahay: "Markaasaan waxaan ku baraarugay go dahab ah uuna hadalkaani ku
dhigan yahay:
1. Waxaan ka magan geliyay Al Waaxid/Sharta kulli mid xaasid ah
2. Iyo makhluuq kasta oo sahan xumaan doon u ah
Ha taagnaado ama ha fadhiyee
3. Oo dariiqa toosan ka leexday
Oo fasaadka ahaanshihiisa ku dadaalaya, oo xooggiisa gelinaya
4. Iyo sixiroole kasta oo wax afuufa iyo mid sixirka guntaba
Iyo khalqi xumaanta samaynteeda ku madax adag kulligiis
5. Oo dadka ku ilaashada oo ku suga
Meelaha ay ku kulmaan iyo dariiqa biyaha loo arooro."
Al Xaafith Ibnu Xajar/‫ الحافظ إبن حجر‬macallinkiisa oo ah Al Xaafith Cabdu Al Rraxiimu Al
Ciraaqii Abuu Al Xusayn Al Atharii ‫(الحافظ عبد الرحيم العراقي أبو حسين األثري‬oo ah midka cilmiga
Xadiithka ku xeel dheer). Imaamka wayn oo la yaqaanno, dhashayna bisha Jamaadul Uulaa ‫جماد‬
99
\‫ اآلولى‬ee sanadka toddoba boqol iyo shan iyo labaatan, dhintayna bisha Shacbaan \‫ شعبان‬ee
sanadka sideed boqol iyo lix ee Hijrada, wuxuu yiri:
"Sidaas ayay tixahaasi u xuseen dadka Siirada ku xeel dheer, waxayna ka dhigeen Xadiith uu
wariyay Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, taasoo aan asal lahayn."
Waxaa kaloo Xadiithkaas wariyay Abuu Nucaym/‫أبو نعيم‬, oo markuu tixdaas wariyay kaddib ku
daray oo yiri inay ku xigeen erayadaan:
‫ وحجاب أهلل‬،‫ يد أهلل فوق أيديهم‬،‫ وأحوطه منهم بأليد ألعليا وألكنف ألذي ال يرى‬،‫"أنها هم عنه بأهلل االعلى‬
"‫ وال في منام وال مسير وال مقام أول الليل وآخر أأليام‬،‫ ال يطردونه وال يضرونه في مقعد‬،‫دون عاديهم‬
"Annahaa hum canhu bi Allaahi Al Aclaa, wa axwadhahu minhum bi Al Yadi Al Culyaa,
wa Al Kanafi Allathii laa yuraa, Yadu Allaahi fawqa aydiihim, wa Xijaabu Allaahi duuna
caadiyahim, laa yadhruduunahu wa laa yadurruunahu fii maqcadin, wa laa fii manaamin
wa laa masiirin wa laa maqaama awwala al layli wa aakhira al ayyaami",
oo macnohoodu yahay:
"Xirsigaasna wuxuu ka yimid Ilaahayga Korreeya, isagaana (Waa Nabigee, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam) Isagaa (Ilaahay) ayaga uga ilaaliyay. Gacanta Sarreysa iyo baalka iyo
dhinaca aan loo jeedin (ayaa ilaalinaya). Gacanta Ilaahay ayaa gacnohooda ka sarreysa, Xijaabka
Ilaahay ayaana colaaddooda ka celinaya. Ma ay eryi karaan, dhibna uma geysan karaan, isagoo
fadhiya iyo isagoo hurda toona ama socdaba, ama taagan, habeenka bilowgiisa iyo dhammaadka
maalmahaba."
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬Xadiithka kore ee Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu u wariyay sidatan:
‫"أعيذه بألواحد من شر كل حاسد في كل بر عاهد وكل عبد رائد يرود غير رائد فإنه عبد حميد مجيد حتى‬
"‫أراه أثر ألمشاهد‬
"Uciithuhu bi Al Waaxidi min sharri kulli xaasidin fii kulli birrin caahidin wa kulli cabdin
raa'idin yaruudu ghayra raa'idin fa innahu cabdun xamiidun majiidun xattaa araahu
athara al mashaahidi",
oo macnohoodu yahay:
"Waxaan ka magan geliyay Al Waaxidu\‫( الواحد‬Ilaahay) sharta kulli mid kasta oo xaasid ah oo
arliga oo idil jooga, aanna xaasidnimada marna ka tegeyn, sida isagoo cahdi iyo heshiis inuu
laazimo oo uusan marna ka tegin la leh, waxaanna ka magan gelinayaa addoon kasta oo xumaan
sahan u ah oo doonayoo, aanna sahan daaqsiin doonaya ahayne oo aan waxtar lahayn (oo raa'id
waxaa la yiraahdaa ninka reerku sahan ahaan u dirsado inuu soo sahmiyo meel biyo iyo baad leh
oo ay degaan, kanse xumaan un ayuu doonayaa). Isaguna (Waa willkeeda, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam) waa addoon Al Xamiidu\‫ الحميد‬Al Majiidu\‫( المجيد‬Oo ah laba Magac ee
Ilaahay), hana magan geliyo ilaa aan ka arko isagoo goobaha raggu isgu yimaado goobjoog ah oo
ka qayb gelaya."
100
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu kaloo Shadaad bin Aws bin Thaabit Al Ansaarii, Abuu Yaclaa ‫شداد بن‬
‫ أوس بن ثابت األنصاري أبو يعلى‬oo saxaabiga ahaa uuna dhalay gabayaaga Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Xasaan bin Thaabit/‫ حسان بن ثابت‬walaalkiis, kuna dhintay Shaam\‫ الشام‬ka hor
sanadka lixdanaad ee Hijrada, dabadeedna waa la yiri, Allaha raalli ka noqdee, inuu yiri:
"Nin u dhashay reer Banii Caamir/‫ بني عامر‬ayaa wuxuu Rasuulka ILaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waydiiyay:
"Xaqiiqada xaaladdaadu maxay tahay?"
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ وأنها حملت بي كأثقل‬،‫ وأني كنت بكر أبي وأمي‬،‫ وبشرى أخي عيسى‬،‫"بدو شأني دعوة أبي إبراهيم‬
‫ ثم إن أمي رأت في منامها أن الذي في بطنها‬،‫ وجعلت تشتكي إلى صواحبها ثقل ما تجد‬،‫ماتحمله ألنساء‬
"‫نور‬
“Badwu sha'nii dacwatu abii Ibraahiima, wa bushraa akhii Ciisaa, wa annii kuntu bikra
abii wa ummii, wa annahaa xamalat bii ka athqala maa taxmiluhu al nnisaa'u, wa jacalat
tashtakii ilaa sawaaxibihaa thaqla maa tajidu, thumma inna ummii ra'at fii manaamihaa
anna allathii fii badhnihaa nuurun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Soo ifbixidda amarkeygu waxaa weeye inaan ahay ducada aabahay Ibraahiim (Oo uu Ilaahay
aqbalay ducadiisa ku xusan Aayadda boqol iyo sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah:
ْ ‫َربهنَا َوا ْب َع‬
‫ث فِي ِه ْم َرس ا‬
‫َاب َو ْال ِح ْك َمةَ َويُزَ ِّكي ِه ْم إِنهكَ أَ ْنتَ ْال َع ِزي ُز ْال َح ِكي ُم‬
َ ‫ُوًل ِم ْنهُ ْم يَ ْتلُو َعلَ ْي ِه ْم آَيَاتِكَ َويُ َعلِّ ُمهُ ُم ْال ِكت‬
)231(
"Rabbanaa wa abcath fiihim Rasuulan minhum yatluu calayhim Aayaatika wa
yucallimuhumu Al Kitaaba wa Al Xikmata wa yuzakkiihim Innaka Anta Al Caziizu Al
Xakiimu(129)",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow usoo bixi (Waa ubadkiisa isaga iyo wiilkiisa Ismaaciil oo uu Makkaha Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬dejiyay iyo dhashooda, Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waa dhasha Nabi Ibraahiim oo isagaa awoowihiisa kore ah) Rasuul ayaga ka dhshay
oo ka mid ah oo u akhriya Aayaadkaaga, barana Kitaabka (Quraanka) iyo Xikmada (Oo ah
Sunnada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siduu u fasiray Cabdu Allaahi
Ibnu Cabbaas\‫عبد هللا إبن عباس‬, isaga iyo aabihiisba Allaha raalli ka noqdee), oo daahiriya,
Adigaa ah Al Caziizu\‫ العزيز‬oo ah lagama adkaade, iyo Al Xakiimu\‫الحكيم‬, oo ah Xikmo
miirane)(129).
(Nabi Ibraahiim\‫ إبراهيم‬waa aabaha dhalay Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬oo isagaa wiilkiisa Ismaaciil
\‫إسماعيل‬ka sharaf badan. Markuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬ducadaas ku Alle baryayey, wiilkiisa
Ismaaciil\‫ إسماعيل‬, oo uu Nabi Muxammad ku abtirsado, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu lahaa Aamiin), iyo bishaarada walaalkey Ciise\‫ ( عيسى‬Oo yiri, siday Aayadda lixaad ee
Suuratu Al Saffi‫ سورة الصف‬noo sheegtay:
101
ِ َّ
ِ َ َ‫وِا ْذ ق‬
ٍ ‫ي ِم َن التَّورِاة وم َب ِّش ار بِرس‬
‫ول‬
َّ ‫ص ِّدقاا لِ َما َب ْي َن َي َد‬
َ ِ‫يسى ْاب ُن َم ْرَي َم َيا َبنِي إِ ْس َرائ‬
ُ َ ‫َْ َ ُ ا‬
َ ‫يل إِِّني َر ُسو ُل الله إِلَ ْي ُك ْم ُم‬
َ ‫ال ع‬
َ
ِ ‫َحم ُد َفلَ َّما جاءهم بِاْلبي َِّن‬
ِ
ِ ِ
)6( ‫ين‬
ٌ ِ‫ات قَالُوا َه َذا ِس ْحٌر ُمب‬
َ ُْ َ َ
ْ ‫َيأْتي م ْن َب ْعدي‬
َ ْ ‫اس ُمهُ أ‬
"Wa mubash-shiran bi Rasuulin ya'tii min bacdii ismuhu Axmadu(6)"
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Kuna bishaareynaya Rasuul dabaday imaan doona magaciisuna yahay Axmad\‫)"أحمد‬, aniguna
waxaan ahaa curadka aabahay iyo hooyaday (Oo aan hortiisna caruur kale dhalin, isaga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiisna aan caruur kale dhalin, oo labadooduba caruur kale ma
ayan dhalin).
Hooyadeyna markay uurkayga yeelatay waxaan ku ahaa culays, sida ugu culus oo ay haweenku
qaadaan, waxayna saaxiibbadeed uga ashtakoon jirtay culayska ay dareemeyso markaas. Kaddib
waxay hooyadey ay ayadoo hurudda aragtay (Waa riyo) in midka caloosheeda ku jira uu nuur
yahay". Waana Xadiith dheer oo aan intaas kasoo qaadannay(129)".
Al Xaafith Abuu Nucaym Axmad bin Cabdu Allaahi Al Asfahaanii Al Suufii ‫الحافظ أبو نعيم أحمد بن‬
‫ عبد هللا األسفهاني الصوفي‬wuxuu isku keenay Xadiithkaan culayska wayn sheegaya iyo midka
khafiifka uurka warinaya, wuxuuna yiri:
"Culaysku wuxuu ahaa bilowga uurka, fudaydkuna intuu uurku sii korayay, taasoo ah laba
xaaladood oo ka duwan caadada la yaqaanno". Abuu Nucaym wuxuu kitaabkiisa Dalaa'ilu Al
Nibuwwah/‫ دالئل النبوة‬Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, uga
wariyay inuu yiri:
:‫ وقالت‬،‫"كان من داللة حمل آمنة يرسول هللا صلى هللا عليه وسلم أن كل دابة لقريش نطقت تلك الليلة‬
‫ ولن يبق سرير لملك‬،‫ وهو إمام الدنيا وسراج أهلها‬،‫"حمل برسول هللا صلى هللا عليه وسلم ورب الكعبة‬
‫ وكذلك أهل‬،‫ وفرت وحوش المشرق إلى وحوش المغرب بالبشارات‬،‫من ملوك الدنيا إال أصبح منكوسا‬
‫ أن أبشروا‬:‫ وله في كل شهر من شهور حمله نداء في األرض ونداء في السماء‬،‫البحار يبشر بعضهم بعضا‬
.‫" الحديث‬.‫فقد آن أن يظهر أبو القاسم صلى هللا عليه وسلم ميمونا مباركا‬
"Daliillada inay Aaminah/‫ آمنة‬qaaday uurka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxaa ka mid ahaa inay kulli daabbad kasta oo ay Quraysh\‫ قريش‬lahayd ay
habeenkaas hadashay, ayni tiri:
"Kacbada Rabbigeeda ayaan ku dhaartaye, waxaa calool galay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, isagana ah Imaamka adduunka (Ama ammaanka adduunka siduu Al
Sayuudhii/‫ السيوطي‬Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬uga wariyay, oo ah midka adduunka inay dhibaato ku
timaaddo ka amni gelinaya, siduuba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda boqol iyo
toddobaad ee Suuratu Al Anbiyaa'i ugu yiri:
ِ ِ
َّ َ ‫وما أَرسْل َن‬
)107( ‫ين‬
َ ‫اك إَِل َر ْح َمةا لْل َعالَم‬
َ ْ ََ
"Wa maa arsalnaaka illaa raxmatan lilcaalamiina(107)",
102
oo macneheedu yahay:
"Kumana aanan diri naxariista caalamka adigoo ah mooyee(107)", ayuu Ilaahay Nabigiisa
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku leeyahay), waana Siraajka /‫( السراج‬Nuurka)
dadka adduunka ku nool.
Mana uusan ahaanin carshi uu leeyahay boqor adduunkaan ee illaa wuxuu noqday midka soo
gaddooma oo ay meeshiisii korreysey hoosmarto.
Boqorradiina wayba hadli waayeen\‫ وكلت الملوك حتى لم يقدروا في ذلك اليوم على التكلم‬, siduu
Taariikhu Al Khamiisi/‫ تاريخ الخميس‬u wariyay.
Dugaaggii qorrax kasoo bax ku noolaana waxay usoo carareen oo ay u bishaareyn ugu
yimaadeen dugaaggi qorrax u dhac ku noolaa. Naflayda badaha ku noolna qaarba qaarka kale
ayuu u bishaareeyey, wuxuuna leeyahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bil walba intuu
uurka hooyadiis ku jiray mar uu yeero dhawaaq laga dhawaaqo arliga iyo dhawaaq laga
dhawaaqo Samada oo la yiraahdo:
"Bishaareysta oo waxaa soo dhowaaday inuu soo if baxo Abuu Al Qaasim/‫أبو القاسم‬, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ah falxad, barakaysanna".
Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ghayrkiis ka wariyay inayan habeenkaas
jirin daar iyo makaan kaleba ee waa illaa ayadoo uu nuur soo galay, mana ayan jirin daabad ee
waa illaa tii hadashay.
Wuxuu kaloo Abuu Zakariyyaa bin Maalik bin Caa'ith/‫أبو زكريا بن مالك بن عائذ‬, Xaafithkii weynaa
ee Andalus/‫ األندلس‬ee dhintay bisha Shacbaan\‫ شعبان‬ee sanadka saddex boqol iyo lix iyo
sagaashan isagoo minbarka saaran oo khudhbada Jimcaha jeedinaya oo markaas inta laga soo
dejiyay uu nin kale khudhbada jeediyay, ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, caloosha hooyadiis sagaal bilood oo kaamil ah ku jiray, ayaduna ayan wax xanuun ah
sheegan iyo wax calool xanuun ahba iyo dabayl caloosha uga samaysantay midna iyo waxa ay
haweenka uurka lihi la kulmaanba, waxayna hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oran
jirtay:
"‫"وهللا ما رأيت من أخف منه وال أعظم بركة‬
"Wa Allaahi maa ra'aytu min xamlin akhaffa minhu wa laa acthama barakatan",
oo macneheedu yahay:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬ma aanan arag uur ka khafiifsan, mana aanan arag mid ka baraka badan."
Siday Aaminah\‫ آمنة‬ninkeeda ugu boyday markuu dhintay uurkeeduna laba bilood yahay
103
Markay uurkeeda laba bilood taam u noqdeen, ayuu ninkeeda Cabdu Allaahi \‫ عبد هللا‬dhintay.
Markaasey geeridiisa gabay ay ugu boyneyso kuna weyneyneyso ka tirisay, oo ay tiri:
‫وجاور لحد خارجا في الغماغم‬
‫ما تركت في الناس مثل إبن هاشم‬
‫تعاوره أصحابه في التزاحم‬
‫فقد كان معطآء كثير التراحم‬
‫عنا جانب البطحاء من آل هاشم‬
‫و‬/‫دعته المنايا دعوة فأجابها‬
‫عشيت راحوا يحملون سريره‬
‫فإن تك غالته المنون وريبها‬
1. Canaa jaaniba al Badhaxaa'a min Aali Haashimi
Wa jaawara luxdan khaarijan fii al dhamaaghimi
2. Dacathu al manaayaa dacwatan fa ajaabahaa
Wa maa tarakat fii al naasi mithla ibna Haashimi
3. Cashiyyatan raaxuu yaxmiluuna sariirahu
Tacaawarahu asxaabuhu fii al taxaaxumi
4. Fa in taku ghaalathu al manuunu wa riibuhaa
Fa qad kaana mucdhaa'a kathiira al taraaxumi.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Wuu ka fogaaday Makkah\‫ مكة‬ina Haashim\‫إبن هاشم‬/
Wuxuuna la darsay isagoo kafnan laxad arliga ehelkiisa ka fog
2. Geeridaa u yeertay markaasuu yeelay oo uu dhintay/
Geeriduna kagama ayan tegin dadka mid ina Haashim‫ هاشم‬la mid ah (Quruxdiisa iyo nuurkiisa
iyo siday haweenku u jeclaayeen sida Yuusuf oo kale)
3.Markaasey kuwa duugaya ay goor galab ah nacashkiisa qaadeen/
Oo ay saaxibbadiis xambaarkiisa isku bedbeddeleen oo ay badidooda isku ciriiryeen
4. Hadday geerida iyo asbaabeheedu kedis ku haleeleen oo uu ku dhintay, dadkuu way ka
tiiraanyoodeen/Isagoo ahaa nin deeqsi ah oo wax badan bixiya, wax badanna dadka Allaha u
naxariisto oran jiray, oo u naxariis dalbi jiray.
Waxaa Ibnu Cabbas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
"Markuu Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬dhintay ayaa Malaa'igtu waxay tiri:
".‫ "أنا له حافظ ونصير‬:‫ فقال هللا تعالى‬،"‫ بقى نبيك يتيما‬،‫"إلهنا وسيدنا‬
"Ilaahayow iyo Sayyidkeennow, Nabigaagu agoon ayuu noqday oo aabe ma laha". Markaasuu
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
“Anigaa ah Midka ilaalinaya una gargaaraya.”
Agoonnimadana, siduu Taariikhu Al Khamiisi\‫ تاريخ الخميس‬wariyay waxaa ugu sarreeysa hadduu
cunugga aabihiis dhinto isagoo wali caloosha hooyadiis ku jira, wuxuuna intaas kore ku daray
inuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬yiri, isagoo u jawaabaya:
104
"‫ ومن كنت له كذلك اليضيع‬،‫"أنا له حفيظ وناصر‬
"Anaa lahu Xaafithun waa Naasirun, wa man kuntu lahu kathaalika laa yadiicu", oo ah
"Anigaa ah Midka ilaalinaya iyo Midka u gargaarayaba, qofkaan sidaas u ahayna ma
baadiyoobayo".
Riwaayad kalena waxay warisay inay Malaa'igtu tiri:
"Nabigaagu wuxuu noqday aabe la'aan, oo wuxuu noqday mid aan lahayn xaafith ilaaliya iyo
mid murabbi ah oo koriya oo barbaariya oo rabbeeya".
Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri:
Ilaahay ayaa Waligiisa ah Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri:
"‫ فصلوا وتبركوا بإسمه‬،‫"أنا وليه وحافظه وحامله وربه وعونه ورازقه وكافله‬
"Anaa Waliyyuhu wa Xaafithuhu wa Xaamiluhu wa Rabbuhu wa Cawnuhu wa Raaziquhu
wa Kaafiluhu, fa Salluu wa tabarrakuu bi ismihi",
oo macneheedu yahay:
"Anigaa Waligiisa iyo Gargaarihiisaba ah, iyo Midka taageeraya, iyo Midka rizqigana siinaya
iyo Midka kafaalo qaadaya. Marka ku salliya, magaciisana barako ka raadsada oo barakeysta."
Waaba ayada uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
Suuratu Al Duxaa‫ سورة الضحى‬ku yiri:
‫هللا سبحانه‬,
Aayadda lixaad ee
ِ
ِ
)6( ‫يما فَآ ََوى‬
‫أَلَ ْم َيج ْد َك َيت ا‬
"Alam yajidka yatiiman fa aawaa(6)", oo macneheedu yahay: "Miyuusan ku helin adigoo
agoon ah oo uusan ku dhawaynin(6)".
Sababta loo agoomeeyey Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Waxaa Jacfar Al Saadiq/‫جعفر الصادق‬, oo naaneystaas loogu bixiyay isagoo aan weligiis been
sheegin, lagu yiri:
"Maxay tahay xikmada ka dambeysa inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
agoomoobay?", wuxuuna yiri:
".‫"لئال يكون عليه حق لمخلوق‬
"Xikmada ku jirta inuu agoomoobay waa si uusan makhluuq la abuurayna xaq ugu yeelan", sida
abaal sheegashada korinta, taasoo imaaneysa hadday labadii dhashay koriyaan ilaa uu ka qaan
gaaro, oo abaalsheegashada iyo xaqqu waxay bilaabanayaa qaangaarid ka bacdi.
105
Jacfar Al Saadiq‫ جعفر الصادق‬waa dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
isagoo ah Jacfar bin Muxammad Al Baaqir (Oo Al Baaqir\‫ الباقر‬cilmi badnidiisa loogu bixiyay,
oo baqara macneheedu waxaa weeye waa dhanbalay oo cilmiga ayuu meel fog ka gaaray oo uu
dhanbalay, oo saca waxaa baqarah\‫ بقرة‬loogu bixiyay ayadoo markay beerta falayso dhulka
dhanbasha oo dillaacisa) bin Calii bin Al Xusayn bin Faadhimah bintu Rasuuli Allaahi, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam ‫جعفر بن محمد الباقر بن علي "زين العابدين" بن حسين بن فاطمة بنت‬
‫رسول هللا صلى هللا عليه وعلى آله وسلم‬.
Jacfar‫ جعفر‬oo ka mid ahaa madaxda Ehelu Baytka/"‫أهل البيت‬, qoyska Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee zamankiisa, wuxuu dhashay sanadka saddex iyo sideetan ama
sideetan ee Hijrada, waxaana la oofsaday sanadka boqol iyo sideed iyo afartan.
Ibnu Kulkaan/‫ إبن كلكان‬iyo Ibnu Qutaybah/‫ إبن قتيبة‬waxay wariyeen inuu Jacfar Al Saadiq ‫جعفر‬
‫ الصادق‬Ehelu Baytka\‫ أهل البيت‬u dhigay kitaab la yiraahdo Al Jafru/‫ الجفر‬oo lagu dhigay haragga
waxar afar bilood jirsatay, uuna ugu dhigay waxay cilmigiisa uga baahan yihiin oo idil iyo waxa
ilaa yawmul qiyaamaha ahaan doona.
Xadiithka Jacfarna\‫ جعفر‬waxaa wariyay Abuu Xayyaan ‫أبو حيان األمام أثير الدين محمد بن يوسف بن علي‬
‫ بن يوسف األندلوسي الغرناطي‬oo ah Al Imaam Athiiru Al Diini Muxammad bin Yuusuf bin Caliyyi
bin Yuusuf Al Andaluusii Al Gharnaadhii, noolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo afar iyo
konton ilaa toddoba boqol iyo shan iyo afartan, wuxuuna ku wariyay tafsiirkiisa wayn ee la
yiraahdo Al Baxru/‫البحر‬.
Markay Aaminah\‫ آمنة‬uurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lix bilood lahayd
Wuxuu Abuu Saciid Cabdi Al Malik Al Niisaabuurii/‫ أبو سعيد عبد الميك النيسابوري‬kitaabkiisa Al
Mucjamu Al Kabiiru/‫ المعجم الكبير‬ku wariyay, siduu uga soo guuriyay caalinka leh kitaabka la
yiraahdo Al Sacaadah wa al Bushraa/‫السعادة والبشرى‬, oo uu ka wariyay Kacb/‫ كعب‬Xadiith dheer
uuna ka wariyay Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬Xadiithka Ibnu Cabbaas oo yiri:
"Aaminah‫ آمنة‬waxay ku warrami jirtay oo ay oran jirtay:
‫ فإذا‬.‫"أتاني آت حين مر بي من حمله ستة أشهر في المنام وقال لي يا آمنة إنك قد حملت بخير العالمين‬
‫ وإني‬،‫ ال ذكر وال أنثا‬،‫ قالت ثم أخذني ما يأخذ النساء ولم يعلم بي أحد‬.‫ولدته فسميه محمد وأكتمي شأنك‬
‫ ثم رأيت كأن جناح طائر‬.‫ فسمعت وجبتن وأمرا عظيما هالني‬.‫لواحدة في المنزل وعبد المطلب في طوافه‬
،‫ فتنولتها‬.‫ ثم إلتففت فإذا أنا بشربة بيضاء‬.‫أبيض قد مسح على فؤادي فذهب عني الرعب وكل وجع أجده‬
‫ فبينما أتعجب وأنا‬.‫ يحدقن بي‬،‫ ثم رأيت نسوة كالنخل طوال كأنهن من بني عبد مناف‬.‫فأصابني نور عال‬
‫أقول وا غوثاه من أين علمن بي؟" قال في غير الرواية "فقلن لي "نحن آسية إمرأة فرعون ومريم إبنة‬
‫ وإشتد بي االمر وإني أسمع ألوجبة في كل ساعت أعظم وأهول مما‬."‫عمران وهؤالء من الحور العين‬
‫ وإذا بقائل يقول "خذاه عن أعين‬،‫ فبينما أنا كذلك إذا بديباج أبيض قد مد بين السماء واالرض‬.‫تقدم‬
‫ فإذا أنا بقطعة من‬،‫ ثم نظرت‬.‫ بأيديهم أبارق من فضة‬،‫ قالت "ورأيت رجاال قد وقفوا في الهواء‬."‫الناس‬
‫ فكشف هللا عن بصري‬.‫ مناقيرها من الزمرد وأجنحتها من الياقوت‬،‫الطير قد أقبلت حتى غطت حجرتي‬
‫ وعلم على‬،‫ وعلم بألمغرب‬،‫ ورأيت ثالثة أعالم مضروبة علم بالمشرق‬،‫فرأيت مشارق االرض ومغاربها‬
‫ فنظرت إليه فإذا هو ساجد‬.‫ صلى هللا عليه وعلى آله وسلم‬،‫ فوضعت محمد‬،‫ فأخذني المخاض‬.‫ظهر الكعبة‬
106
‫ ثم رأيت سحابة بيضاء قد أقبلت من السماء حتى غشيته‬.‫قد رفع أصبعيه إلى السماء كالمتضرع المبتهل‬
‫ وأدخلوه البحار ليعرفوه بإسمه‬،‫ ثم سمعت مناديا ينادي طوفوا به مشارق االرض ومغاربها‬.‫فغيبته عني‬
‫ ثم إنجلت عنه‬.‫ ويعلمون أنه سمي فيها لماحي اليبقى شيء من الشرك إال محي في زمنه‬،‫ونعته و صورته‬
."‫في أسرع وقت‬
"Ataanii aatin xiina marra bii min xamlihi sitatu ash-hurin fii al manaami wa qaala lii:
"Yaa Aaaminah! Innaki xamalti bi khayri al caalamiina. Fa ithaa waladtahu fa sammiihi
Muxammadan wa aktumii sha'naki". Qaalat: Thumma akhathanii maa ya'kuthu al nisaa'a
wa lam yaclam bii axadun, laa thakarun wa laa unthaa, wa innii la waxiidatun fii al
manzili wa Cabdu Al Mudh-dhalib fii dhawaafihi. Fa samictu wajbatan wa amran
cathiiman haalanii. Thumma ra'aytu ka anna janaaxa dhaa'irun abyadu qad masaxa calaa
fu'aadii fa thahaba cannii al rucbu wa kullu wajcin ajiduhu. Thumma iltafattu fa ithaa
anaa bi sharbatin baydaa'a. Fa tanaawaltuhaa, fa asaabanii nuurun caalin. Thumma
ra'aytu niswatan ka al nakhli dhiwaalin ka annahunna min banaati Cabdi Manaaf,
yaxdiqna bii. Fa baynamaa atacajjabu wa anaa aquulu "Waa ghawthaah min ayna
calimna bii?" Qaala fii ghayri haathihi al riwaayati: "Fa qulna lii: "Naxnu Aasiyata
imra'atu Fircawna wa Maryama ibnatu Cimraana wa haa'ulaa'i mina al xuuri al cayni".
Wa ishtadda bii al amru wa innii asmacu al wajbata fii kulli saacatin acthama wa ahwala
mimmaa taqaddama. Fa baynamaa anaa kathaalika ithaa bi diibaajin abyada qad mudda
bayna al Samaa'i wa al ardi, wa ithaa bi qaa'ilin yaquulu: "Khuthaahu can acyuni al
nnaasi". Qaalat: "Wa ra'aytu rijaalan qad waqafuu fii al hawaa'i, bi aydiihim abaariqun
min fiddatin. Thumma nathartu, fa ithaa anaa bi qidhcatin min al dhayri qad aqbalat
xattaa ghadhat xujratii, manaaqiiruhaa min al zumurrud wa ajnixatuhaa mina al
yaaquuti. Fa kashafa Allaahu can basarii: fa ra'aytu mashaariqa al ardi wa
maghaaribihaa, wa ra'aytu thalaathata aclaamin madruubaatin: calamun bi al mashriqi,
wa calamun bi al maghribi, wa calamun calaa Thahri Al Kacbati. Fa akhathanii al
makhaadu, fa wadactu Muxammadan, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Fa nathartu
ilayhi: fa ithaa huwa saajidun qad rafaca asbacayhi ilaa al Ssamaa'i ka al mutadarrici al
mubtahili. Thumma ra'aytu saxaabatan baydaa'a qad aqbalat mina al Ssamaa'i xattaa
ghashiyathu fa ghayyabathu cannii. Thumma samictu munaadiyan yunaadii: "Dhuufuu
bihi mashaariqa al ardi wa maghaaribihaa, wa adkhiluuhu al bixaara li yacrifuuhu bi
ismihi wa nactihi wa suuratihi, wa yaclamuuna annahu summiya fiihaa li-Maaxii: laa
yabqaa shay'un mina al shirki illaa muxiya fii zamanihi". Thumma injalat canhu fii asraca
waqtin."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markay uurkeyga lix bilood kasoo wareegteen, ayaa anigoo hurda mid yimaada ii
yimid,wuxuuna yiri: "Aamaniney\‫يا آمنة‬, waxaad qaaday caalamiinta midka ugu khayr badan
(kuwii hore iyo kuwa dambeba). Marka, markaad dhashid waxaad u bixisaa Muxammad,
arrinkaagaanna qari, ilaa aad ka dhashid."
Waxay tiri:
"Kaddibna waxaa i qabtay waxaa haweenka qabta (oo marka waqtigeeda la gaaray, oo ay
mudadii uurka ee sagaal bilood ay u dhammaadeen, ayaa fooshii qabatay) ayadoo uusan axadna
iga warqabin, labood iyo dheddig midna, oo anigoo keligey ah, kuna sugan guriga dhexdiisa,
Cabdu Al Mudh-dhalibna\‫ عبد المطلب‬uu Kacbada ku dhawaafayo.
107
Markaasaan waxaan maqlay jug iyo wax soo dhacay oo weyn (oo xagga darbiga guriga qolka
ahaatay), iyo amar wayn oo iga nixiyay. Kaddibna waxaan indhahayga ku arkay (oo aan riyo
ahaynee ay indheheeda ku aragtay ayadoo soo jeedda) ayadoo uu shimbir cadi baalkiisa
qalbigeyga mariyay.
Markaasey naxdintii iyo cabsidii iga tagtay (ay jugta waxa soo dhacay cabsi gelisay). Waxaa
kaloo iga tegey xanuun kasta oo aan dhalmada daraadeed la dareemayey.
Markaasaan dhinaca dhugtay, mase waaba weel ay ku jiraan wax la cabbo oo caddaan ah.
Markaasaan cabiddaas soo qaatay oo aan cabay."
Riwaayad kalena waxay ku tiri:
"Mase waaba cabid caddaan ah oo aan caano u maleeyey, aniguna waan oomanaa. Markaasaan
cabbay. Mase waaba ayadoo malabka ka macaan.
Markaasaa waxaa i haleelay nuur sarreeya. Kaddibna waxaan arkay haween dheerdheer, oo aad
dhererkooda moodid geedaha timirta oo kale, sidii ayagoo ah gabdhaha ilmo Cabdi Manaaf ‫عبد‬
/‫( مناف‬oo ah awoowaha saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
gabdhaha reerkaasoo dheerdheeraanta iyo quruxda ku caan baxay) oo igu hareereysan sida
dugaagadda oo kale.
Markaasaan anigoo yaaban ayaan waxaan lahaa
"!‫"يا غوثاه‬
"Yaa ghawthaah/‫ "يا غوثاه‬oo ah ii gargaaroy, xaggeebeyna iga barteen oo ay iga ogaadeen?"
Riwaayad kalena waxay leedahay:
"Markaasey waxay igu yiraahdeen:
"Annagu waxaan nahay Aasiyah‫( آسية‬bintu Muzaaxim/‫بنت مزاحم‬, haweentii Fircoon) iyo
Maryama Ibnatu Cimraana/‫( مريم إبنت عمران‬Nabi Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu hooyadiis),
kuwaasna (waana haween kale oo Aaminah\‫ آمنة‬ku hareereysnaa) waxay ka mid yihiin Xuurul
Ciinta/‫( حور العين‬waxaadna mooddaa inay xikmada ka jirta inay Aasiyah\‫ آسية‬iyo Maryama\‫ مريم‬u
yimaadeen Aaminah/‫ آمنة‬iyo badnida Xuurul Ciinta\‫ حور العين‬dhaliddeeda goob joogga ka ahaa
ay tahay badnida Xuurul Ciinta\‫ حور العين‬uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Jannada ku yeelan doono, iyo siday Aasiyah\‫ آسية‬iyo Maryama\‫ مريمة‬haweenkiisa Jannada, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uga mid yihiin).
Markaasuu amarkeygu sii culusaaday, anigoo jugta iyo waxa soo dhacayaba saacad walba
ayadoo kasii waynaatay aan maqlayo, cabsideyduna ay kasii weynaaneyso intii hore.
Anigoo ay xaaladdeydu sidaas tahay, ayaan waxaan arkay maro xariir ah oo Samada kasoo
fidday oo kasoo laadlaadda, dhulkana soo gaartay, oo Samada iyo dhulka isku xirtay (Waana
weyneyn dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la weyneynayo).
Markaasuu mid wax yiraahda wuxuu yiri:
"Ka qaada, oo ka qariya markuu dhasho dadka indhihiisa."
Aaminah\‫آمنة‬, waxay tiri:
108
"Waxaanna arkay rag hawada istaagay (Waana Malaa'ig suurad rageed leh), gacnohoodana ay ku
jiraan ibriiqyo qalin ka sameysan. Kaddibna waan dhugtay, mase waaba ayadoo ay ila joogaan
koox shimbiro ah oo timid ilaa ay qolkeyga ka dabooleen (tiro badnidooda daraadeed).
Shimbirahaas gafuurkoodu wuxuu ka sameysnaa zabarjad\‫زبرجد‬, baalashooduna yaaquut\‫ياقوت‬
ayay ka sameysan yihiin.
Markaasuu Ilaahay araggeyga daboolka ka qaaday. Markaasaan waxaan arkay arliga qorrax
kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba, waxaanna arkay saddex calan oo taagan, uuna calan suran
yahay qorrax kasoo bax, calanna uu suran yahay qorrax u dhac, calanna oo dhabarka Kacbada ku
suran yahay (Oo malaha xikmada ku jirta ay tahay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, sharcigiisu koobi doono arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba,
Makkahna uu korkeeda ahaanayo oo uu hananayo, taasoo aan si cad u arki doonno, sida ay
indheheennu calamadaas u arkaan oo kale).
Markaasey fooshii i qabatay, (oo uu cunuggii, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caloosha
dhexdeeda ku dhaqdhaqaaqay, isagoo doonaya inuu soo baxo, taasoo dhalidda ku imaaneysa).
Markaasaan Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalay.
Markaasaan dhugtay, mase waaba isagoo sujuudsan, uuna labada farood oo suulasha laba
gacnood ku xigah, ayadoo ay farihiisa intooda kale duuban yihiin oo ay laaban yihiin, Samada
kor ugu qaaday oo uu ugu fiiqay (sida isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay,
Subxaanabu wa Tacaalaa, isu jejebinaya oo isu dulleynaya, oo tukanaya, Ilaahayna baryaya).
Markaasaan waxaan arkay daruur cad oo xagga Samada ka timid oo isagii, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, dabooshay, anigana iga qarisay.
Kaddibna waxaan maqlay mid dhawaaqaya oo leh:
"Kula soo dhawaafa (kula soo wareega, oo geeya oo soo mariya) arliga qorrax kasoo bixiisa iyo
qorrax u dhiciisa, waxaadna gelisaan badaha, si ay magiciisa ugu aqoodaan oo ah Al
Maaxii\‫الماحي‬, ayna u aqoodaan tilmaamihiisa iyo ekaanshihiisa. Baduhu markay ku aqoodaan
saddexdaas, oo kala ah magaciisa, tilmaamihiisa iyo muuqaalkiisa, waxay ogaanayaan in
daraadood loogu bixiyay Al Maaxii\‫الماحي‬, maxaa yeelay gaalnimo waxba ka hari mayaan ee
waa illaa tan zamankiisa la tirtiro (Sida ay baduhu wasakhda u dhaqaan oo kale. Maaxi wuxuu ka
yimid eraygy maxaa\‫ محا‬oo ah waa tirtiray, oo Maaxii macneheedu waxaa weeye midka tirtira)."
Kaddibna daruurtii way ka feydantay."
Xadiithkaan waxba laga sheegay.
Xadiithka Al Khadhiibu Al Baghdaadii/‫حديث الخطيب البغدادي‬
Al Khadhiibu Al Baghdaadii/‫ الخطيب البغدادي‬wuxuu sanad uu isagu leeyahay ku wariyay, siduu
kan dhigay kitaabka "Kitaabu al sacaadati wa al bushraa/‫ "السعادة والبشرى‬u wariyay inay
Aaminah/‫ آمنة‬tiri:
‫"لما وضعته عليه الصالة والسالم رأيت سحابة عظيمة لها نورأسمع فيها صهيل الخيل وخفقان االجنحة‬
‫ فسمعت مناديا ينادي طوفوا بمحمد صلى هللا عليه وعلى آله وسلم‬.‫ حتى غشيته وغيب عني‬،‫وكالم الرجال‬
‫ وأدخلوه البحار ليعرفوا بإسمه ونعته وصورته في جميع االرض وأعرضوه‬،‫في مشارق االرض ومغاربها‬
109
،‫ ومعرفة شيث‬،‫ وأعطوه خلق آدم‬،‫ والوحوش‬،‫ والطيور‬،‫على كل روحاني من الجن وألنس والمالئكة‬
‫ وبشرى‬،‫ وحكمة لوط‬،‫ وفصاحة صالح‬،‫ ورضا إسحاق‬،‫ ولسان إسماعيل‬،‫ وخلة إبراهيم‬،‫وشجاعة نوح‬
‫ ووقار‬،‫ وحب دانييل‬،‫ وصوت دآود‬،‫ وجهاد يوشع‬،‫ وطاعة يونس‬،‫ وصبر أيوب‬،‫يعقوب وشدة موسى‬
.‫ وأغمسوه في أخالق النبيين‬،‫ وزهد عيسىى‬،‫ وعصمة يحيى‬،‫إلياس‬
،‫ ينبع من تلك الحريرة ماء‬،‫ فإذا به قد قبض على حريرة خضراء مضوية طيا شديدا‬،‫قالت ثم إنجلى عني‬
‫ قالت‬.‫ لم يبق خلق من أهلها إال دخل طائعا في قبضته‬،‫ قبض محمد على الدنيا كلها‬،‫وإذا قائل يقول بخ بخ‬
‫ وإذا‬.‫ وريحه يسطع كالمسك االذفر‬،‫ثم نظرت إليه صلى هللا عليه وعلى آله وسلم فإذا هو كالقمر ليلة البدر‬
‫ وفي يد أألخر طست من زمرد أخضر وفي يد الثالث حريرة بيضاء‬،‫بثالثة نفر في يد أحدهم إبريق من فضة‬
‫ ثم ختم بين‬،‫فنشرها فأخرج منها خاتما تحار أبصار الناظرين دونه فغسله من ذلك االبريق سبع مرات‬
"‫كتفيه بالخاتم ولفه في الحريرة ثم إحتمله فأدخله بين أجنحته ساعة ثم رده إلي‬
"Lammaa wadactuhu Calayhi Al Ssalaatu wa Al Ssalaamu ra'aytu saxaabatan cathiimatan
lahaa nuurun asmacu fiihaa sahiila al khayli wa khafqaana al ajnixati wa kalaama al
rijaali, xattaa ghashiyathu wa ghiiba cannii. Fa samictu munaadiyan yunaadii: "Dhuufuu
bi Muxammadin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fii mashaariqa al ardi wa
maghaaribihaa, wa adkhiluuhu al bixaara li yacrifuu bi ismihi wa nactihi wa suuratihi fii
jamiici al ardi wa acriduuhu calaa kulli ruuxaanii mina al Jinni wa al Insi wa Al
Malaa'ikati, wa al dhuyuuri, wa al wuxuushi, wa acdhuuhu khalqa Aadama, wa macrifata
Shayth, wa shajaacata Nuuxin, wa khillata Ibraahiima, wa lisaana Ismaaciila, wa ridaa
Isxaaqa, wa fasaaxata Saalixin, wa xikmata Luudhin, wa bushraa Yacquuba, wa shiddata
Muusaa, wa sabra Ayyuuba, wa dhaacata Yuunusa, wa jihaada Yuushaca, wa sawta
Daauuda, wa xubba Daaniyeela, wa waqaara Ilyaasa, wa cismata Yaxyaa, wa zuhda Ciisaa,
wa aghmisuuhu fii akhlaaqi Al Nabiyyiina." Qaalat: "Thumma injalaa cannii, fa ithaa bihi
qad qabada calaa xariiratin khadraa'a madwiyyatan dhayyan shadiidan, yanbacu min
tilka al xariirati maa'un, wa ithaa qaa'ilun yaquulu: "Bakhin bakh! Qabada
Muxammadun calaa al dunyaa kullahaa, lam yabqa khalqun min ahlihaa illaa dakhala
dhaa'ican fii qabdatihi." Qaalat: "Thumma nathartu ilayhi, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, fa ithaa huwa ka al qamari laylata al badri, wa riixuhu yasdhacu ka al miski al
athfari. Wa ithaa bi thalaathata nafarin: fii yada axadihim ibriiqun min fiddah, wa fii yadi
al aakhiri dhastun min zumurud akhdar, wa fii yadi al thaalithi xariiratun baydaa'a. Fa
nasharahaa, fa akhraja minhaa khaatiman taxaaru absaaru al naathiriina duunahu. Fa
ghasalahu min thaalika al ibriiqa sabca marraatin, thumma khatama bayna katafayhi bi al
khaatimi wa laffahu fii al xariirati. Thumma ixtamalahu fa adkhalahu bayna ajnixatihi
saacatan, thumma raddahu ilayya."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye inay Aaminah\‫ آمنة‬tiri:
"Markaan dhalay, Calayhi Al Ssalaatu wa Al Ssalaamu, waxaan arkay daruur wayn oo nuur ka
baxayo, dhexdeedana aan ka maqlayo gurxanka fardo, iyo sharqanta baalal dhaqdhaqaaqaya, iyo
rag hadalkooda (Oo ah Malaa'ig rag iska soo dhigtay). Markaasey daruurtu wada dabooshay
(Wiilka dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo uu iga qarsoomay. Markaasaan waxaan
maqlay mid oranaya:
"Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dhawaafiya qorrax kasoo baxa
arliga iyo qorrax u dheceedaba, waxaadna dhex gelisaan badaha si ay magaciisa ugu
aqoonsadaan iyo tilmaamihiisa iyo muuqaalkiisaba arliga oo idil, una soo bandhiga oo tusa wax
110
kasta oo ruux iyo naf leh, ayna ka mid yihiin jinniga iyo insiga iyo malaa'igtuba, iyo shimbiraha
iyo dugaagga, waxaadna u yeeshaan:
Khalqiga Aadan/‫خلق آدم‬
khalqiga, (Oo ah abuuritaanka iyo muuqaalka) Aadan\‫( آدم‬Waaba tuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ وكان أبي إبراهيم خليل الرحمن أشبه الناس بي خلقا وخلقا‬،‫أنا أشبه الناس بأبي آدم‬
"Anaa ashbahu al nnaasi bi abii Aadama, wa kaana abii Ibraahiima Khaliilu Al Raxmaani
ashbaha al nnaasi bii khalqan wa khuluqan".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigaa ugu eg dadka oo idil aabahay Aadam\‫آدم‬, wuxuuna ahaa aabahay Ibraahiimu Khaliilu
Al Rraxmaani\‫ إبراهيم خليل الرحمن‬kan ugu ekaansho badan dadkoo idil aniga, xagga
abuuritaanka iyo xagga dhaqankaba."). "Waxaadna siisaan aqoonta Shayth bin Aadam ‫شيث بن‬
\‫"أدم‬.
Al Thaclabii/‫ الثعلبي‬iyo ghayrkiisba waxay wariyeen inuu Ilaahay Shayth \‫ شيث‬baray saacadaha
habeenka iyo saacadaha maalintaba, uuna baray sida Ilaahay saacad walba oo ka mid ah loo
caabudo.
Geesinnimada Nuux/‫شجاعة نوح‬
"Waxaadna siisaan geesinnimada Nuux/‫"نوح‬. Nabi Nuux‫ نوح‬hadduusan geesi ahaan lahayn
qawmkiisa kuma uusan dhex jireen kun sano oo konton la', ayadoo ayaguna ay isaga iyo Diinta
uu u keenay ay diidan yihiin, kuna ay gaaloobeen, dad yarna ay ka rumeeyeen. Ayadoo ay
xaaladuuna sidaas tahay ayuu dhammaantood qaabili jiray oo uu ka hor imaan jiray.
Geesinnimada Nabigeenna Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lamaba tirin karo.
Khillada Ibraahiim/‫خلة إبراهيم‬
"Waxaadna siisaan Khillada Ibraahiim/‫إبراهيم‬." Khilladu waa inuu qofka qalbigiiss uu jeceylka
Ilaahay oo keli ah ka buuxo, in kalena uu ka maran yahay, uuna aad ugu dhowyahay sida
saaxiibkiisa dhow oo kale. Waaba ayada uu Ilaahay Aayadda boqol iyo shan iyo labaatanaaad ee
Suuratu Al Nisaa'‫ سورة النساء‬ku yiri:
ِ ِ َّ
ِ ‫اه‬
ِ ِ َّ ِ َّ
ِ
ِ َِّ
ِ ِ
َّ
)155( ‫يًل‬
‫يم َخلِ ا‬
ْ ‫َو َم ْن أ‬
ْ ‫َح َس ُن د اينا م َّم ْن أ‬
َ ‫يم َحنيفاا َوات َخ َذ اللهُ إ ْب َراه‬
َ ‫َسلَ َم َو ْجهَهُ لله َو ُه َو ُم ْحس ٌن َوات َب َع ملةَ إ ْب َر‬
"Wa ittakhatha Allaahu Ibraahiima Khaliilan(125)",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuuna ka yeeshay Ilaahay Ibraahiim Khaliil\‫( إبراهيم الخليل‬Mid u gaar ah)(125)".
111
Saxiixana waxaa lagu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫لو كنت متخذا خليال غير ربي إلتخذت أبا بكرا خليال‬
"Law kuntu muttakhithan khaliilan ghayra Rabbii la ittakhathtu Abaa Bakran khaliilan",
oo macnihiisu yahay:
"Haddaan ahay mid yeelanaya khaliil Ilaahay sokodadiisa waxaan khaliil ka yeelan lahaa Abuu
Bakar\‫"أبو بكر‬.
Sidaas ayuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Rabbigiis khalilkiisa ku yahay,
siduu Ibraahiim u yahay oo kale, Xabiibnimada uu Ilaahay Xabiibkiisa yahayna uu dheeryahay.
"Waxaadna siisaan carrabka -wa af Carabigee- Ismaaciil\‫"إسماعيل‬. Waaba ayaduu Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda afaraad ee Suuratu Ibraahiim\‫ سورة إبراهيم‬ku yiri:
ِِ
ٍ ‫وما أَرسْل َنا ِم ْن رس‬
ِ ‫ول إِ ََّل بِلِ َس‬
‫ِّن لَهُ ْم‬
َ ‫ان قَ ْو ِمه لُي َبي‬
َُ
َ ْ ََ
"Wa maa arsalnaa min Rrasuulin illaa bi lisaani qawmihi li yubayyina lahum(4)",
oo macnheedu yahay:
"Rasuul kuma dirno waxaan afka dadkiisa ahayn, si uu ugu caddeeyo(4)".
Al Zubayr bin Al Bakkaar/‫ الزبير بن البكار‬wuxuu Calii bin Abii Dhaalib/‫ علي بن أبي طالب‬ka
wariyay, Allaha raalli ka noqdee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫أول من فتق هللا لسانه بألعربية البينة إسماعيل‬
"Awwala man fataqa Allaahu lisaanahu bi al Carabiyyah al bayyinah Ismaaciil",
oo macneheedu yahay:
"Kan ugu horreeyey oo uu Ilaahay ku hadalsiiyay carrabkiisa afka Carabiga ah ee cad waa
Ismaaciil\‫إسماعيل‬."
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa midka khalqiga ugu faseexsan
oo ugu hadal cad.
Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬wuxuu kitaabka Taariikhu Isbahaan/‫ تاريخ إسبهان‬wariyay inuu Ibnu
Cumar/‫ إبن عمر‬wariyay inuu Cumar bin Al Khadh-dhaab/‫عمر بن الخطاب‬, Allaha labadoodaba
raalli ka noqdee, yiri:
"Nabiga Ilaahayow! Maxaa u sabab ah inaad noogu faseexsan tahay adigoo aanan waligaa naga
dhex bixin?" Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
."‫ فجائني بها جبريل فحفظتها‬،‫"كانت لغة إسماعيل قد درست‬
"Kaanat lughatu Ismaaciila qad darasat, fa jaa'anii bihaa Jibriilu fa xafathtuhaa",
112
oo macneheedu yahay:
" Luqadda Ismaaciil\‫ إسماعيل‬way duugowday, markaasaa asalkeedii waxaa ii keenay Jibriil
\‫جبريل‬, siday u ahaan jirtay. Markaasaan korka ka bartay."
Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intaas u dheer inuu qolo walba oo
Carbeed afkooda iyo lahjadooda u gaarka ah uu kula hadli jiray.
"Waxaadna siisaan fasaaxada Saalix"/‫فصيحة صالح‬
Al Thaclabii/‫ الثعلبي‬wuxuu yiri:
"Nabi Saalix/‫ صالح‬isagaa dadka zamankiisa ugu faseexsanaa, uguna af tahansanaa".
Wuxuu yiri isagoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tilmaamaya:
"Quruxdiisa iyo quruxda wajigiisuna iyo nuurka kasoo kahayana waxay gaarsiiyeen inuu dadku
si buuxda inta u fiiriyo uga il bogan waayo. Dadkana isagaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
ugu ekaa Shayth bin Aadam/‫شيث بن آدم‬.
Wuxuu kaloo Ilaahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyay cilmi iyo
adkeysi iyo turid iyo haybad iyo xasillooni fara badan. Nabi Saalix \‫ صالح‬dharkiisuna wuxuu ka
sameysnaa dhogorta xoolaha, kabihiisuna waraaqaha iyo qolofta geedka timirta. Waxaanse
ogsoonnahay in faseexnimana axad Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo
dhowaan karta ayeeysanba jirin.
Xikmada Luudh/‫حكمة لوط‬
"Waxaadna siisaan xikmada Luudh/‫"لوط‬, ahna midda ay tilmaameyso Aayadda afar iyo
toddobaatanaad ee Suuratu Al Anbiyaa'/‫سورة األنبياء‬:
‫طا آَتَْي َناهُ ُح ْك اما َو ِعْل اما‬
‫َولُو ا‬
"Wa Luudhan aataynaahu xukman wa cilman(74)",
oo macneheedu yahay:
"Luudhna‫ لوط‬waxaan siinnay Xukun, oo ah xikmad uu dadka wax isku haysta uu ku kala
xukumo, iyo cilmi(74)."
Inta Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kuwaas laga siiyayna, way ka badan tahay
inta Luudh‫ لوط‬iyo khalqiga intiisa kaleba laga siiyay.
113
Bishaarada Yacquub‫بشرى يعقوب‬
"Waxaadna siisaan bishaarada Yacquub/‫"يعقوب‬, oo ah nabadgelyada uu helay wiilkiisa
Yuusuf/‫يوسف‬, ama siduu ugu guuleystay ducada aabihiis Isxaaq/‫ أسحاق‬walaalkiis Ciisuu‫عيصو‬
sokadiis. Ilaahayna Nabigeenna Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, umuuro badan
ayuu ugu bishaareeyey.
Xoogga Muuse/‫شدة موسى‬
"Waxaadna siisaan adaygga iyo xoogga Muuse/‫"موسى‬, uuna Diinta Ilaahay ku adkaa, jir
ahaanna uu xoog badnaa, isagoo ninka ku dilay hal feer ah oo keli ah oo uu kuu dhuftay.
Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la siiyay adayg iyo xoog intaasba ka
badan, oo waaba isaga Ubayyah bin Khalaf/‫ أبي بن خلف‬ku dilay wax intaas ka yar ilaa heer ay
dadkiisi Ubayyah/‫ أبية‬ku caayeen, oo uu markaas ku yiri: "Hadduu Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, candhuuf keli ah igu tufi lahaa wuuba igu dili lahaa".
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna Makkah\‫ مكة‬kula legdamay nin
uusan axadna la legdami karin, markaasuu legday. Way badan yihiin arrimaha muujiyay adaygga
iyo xoogga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Adkaysiga Ayyuub/‫صبر أيوب‬
"Waxaadna siisaan adkaysiga Ayyuub/‫"أيوب‬, uuna Ilaahay ku faaniyay Aayadda afar iyo
afartanaad ee Suuratu Saad/‫سورة ص‬:
)44( ‫اب‬
ٌ ‫صابِاار نِ ْع َم اْل َع ْب ُد إَِّنهُ أ ََّو‬
َ ُ‫إَِّنا َو َج ْد َناه‬
"Innaa wajadnaahu saabiran nicma al cabdu innahu awwaabun(44)",
oo macneheedu yahay:
"Waxaanna ku ognahay (Ayyuub\‫ )أيوب‬inuu yahay mid sabra oo addoon fiican ah, oo tawbad
keenna badan(44)".
Hoggaansanaanta Yuunis/‫طاعة يونس‬
"Waxaadna siisaan hoggaansanaanta Yuunis/‫"يونس‬, uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, u
hoggaansanaa tan iyo intuuba yaraa.
Waxaa la wariyay inuu markuu toddoba jirsaday uu hooyadiis ku yiri:
"Waxaan doonayaa inaad i siisid dhar dhogorta xoolaha laga sameeyey oo aan labbisto, si aan
uga daba tago oo aan ugu darsamo addoomada Ilaahay", kuwaasoo dharkaas khashinka ah
weligood xiran jiray.
Markaaseeyan hooyadiis u jawaabin, isaguna wuu ke celceliyay codsigiisaas ilaa ay dharkaas
uga labbisto.
114
Markaasuu wuxuu raacay addoommada Ilaahay oo cibaadeysigiisa u go'ay ilaa uu shan iyo toban
sano ka gaaray. Sidaasna waxaa xusay Al Thaclabii/‫الثعلبي‬.
Hoggaansanaanta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Rabbigiis u
hoggaansanyahayna intuusan toddoba jirsanba way sugan tahay, waana arki doonnaa,
Inshaa'Allaahu.
Tusaale ahaan, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo walaalkiisa xagga
nuugmada oo magaciisu yahay Cabdu Allaahi bin Al Xaarith bin Cabdu Al Cuzzaa ‫عبد هللا بن‬
‫الحارث بن عبد العزى‬, ayaa deegaanka reer Banii Sacad/‫ بني سعد‬isku raacay.
Markaasey waxay soo ag mareen wiilal cayaaraya. Markaasaa walaalkiis, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, la cayaaraa. Markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam arko walaalkiis oo
cayaarayana intuu gacanta kasoo qabto ayuu wuxuu ku yiri:
."‫"إنا لم نخلق لهذا‬
"Innaa lam nakhluq li haathaa", oo macneheedu yahay: "Annaga middaan -oo cayaarta ahnalooma abuurin".
Jihaadka Yuushac/‫جهاد يوشع‬
"Waxaadna siisaan jihaadka Yuushac‫ "يوشع بن نون‬bin Nuun oo jabbaariinta la dagaallamay
maalin jimce ah, Muuse/‫موسى‬, Calayhissalaamu, dabadiis. Markaasuu Ilaahay, Cazza wa Jalla,
qorraxda u istaajiyay saacad ilaa uu dagaalkooda kasoo jeesto.
Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu jihaaday jihaadka xaqqa ah ee
Ilaahay dartiis ah, wuuna jihaadayey ilaa uu adduunkaan ka tago. Shareecadiisana, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa jihaadku ka mid yahay oo uu ku haray uuna jirayaa ilaa
maalinta qiyaame. Mahaddana Ilaahay ayaa iska leh.
Codka Daauud/‫صوت داود‬
"Waxaadna siisaan codka Daauud/‫"داود‬, waana codka quruxdiisa lagu wariyay Xadiithka uu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri isagoo ka hadlaya saaxiibkiis Abuu
Muusaa Al Ashcarii/‫أبو موسى األشعري‬:
."‫"لقد آوتي أبو موسى مزمارا من مزامير آل داود‬
"La qad uutiya Abuu Muusaa mizmaaran min mazaamiiri aala Daauuda",
oo macnihiisu yahay:
"Waxaa la siiyay Abuu Muusaa Al Ashcarii/‫ أبو موسى األشعري‬mizmaar -oo ah aaladda muusiqada
lagu tumo oo dhuuban oo la afuufo oo codka qurxoon leh- ka mid ah mazaamiirta (Nabi)
Daauud‫"داود‬.
Shaki kuma jiro inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Daauud‫ داود‬ka cod
qurxoonaa, siduu Al Tarmathii/‫ الترمذي‬Anas/‫ أنس‬uga wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
115
."‫ وكان نبيكم أحسنهم وجها واحسنهم صوتا‬،‫ حسن الصوت‬،‫ما بعث هللا نبيا إال حسن الوجه‬
"Maa bacatha Allaahu Nabiyyan illaa xasanu al wajhi, xasanu al sawti, wa kaana
Nabiyyukum axsanahum wajhan wa axsanahum sawtan",
oo macnihhisu yahay:
"Sooma uusan dirin Ilaahay Nabi ee waa kan illaa waji qurxoon leh, cod qurxoonna leh,
Nabigiinna ayaana ugu waji qurxoon, uguna cod qurxoon.
Jacaylka Daaniyeel/‫حب دانيال‬
"Waxaadna siisaan jacaylka Daaniyeel/‫"دانيال‬, kaasoo uu Ilaahay Nabinnimo iyo xikmadba
siiyay. Ibnu abii al Dunyaa/‫ إبن أبي الدنيا‬wuxuu wariyay oo yiri: "Bukhtunassar/‫بختنصر‬, oo ahaa
Boqorka Baabil/‫بابل‬, kaddibna yuhuudda inta soo weerara jebinaya, Masjidka Al Quddusna ‫مسجد‬
\‫ القدس‬dabka qabadsiinaya, siday nooga warrameen Aayadaha shanaad iyo lixaad ee Suuratu Al
Israa'‫سورة اإلسراء‬, wuxuu tababaray laba libaax, markaasuu god ku tuuray sida ceel guray oo kale
ah. Markaasuu Daaniyeel‫ دانيال‬inta keenay uu ku kor tuuray, ayanna libaaxyadu wax dhibaato ah
u geysan, sida Xadiithka kusoo aroortay. Al Bayhaqii/‫ البيهقي‬wuxuu wariyay in:
‫ و ارسل هللا له ملكا‬،‫ فجعلت تحلسه و تبسبس إليه‬،‫"إن دانيال طرح في الجب و ألقيت عليه السباع‬
."‫بطعام‬
"Anna Daaniyeel dhurixa fii al jubbi wa ulqiyat calayhi al sibaacu, fa jacalat taxlusuhu wa
tabasbasu ilayhi, wa arsala Allaahu lahu malakan bi dhacaamin",
oo macneheedu yahay:
"Daaniyeel‫ دانيال‬waxaa lagu riday ceel, waxaana korkiisa lagu tuuray dugaagga dadka cuna.
Markaasey markay u tagtay carrabyadeeda Daaniyeel‫ دانيال‬jacayl ay u qabto ku leefleeftay,
farax daraadiisna ay saymahooda u dhaqdhaqaajiyeen. Ilaahayna wuxuu usoo diray malag cunno
u keenay."
Ibnu abii al Dunyaa/‫ إبن أبي الدنيا‬wuxuu wariyay Xadiithkaan:
‫ فأمر بقتل من‬.‫" أن الملك الذي كان دانييل في سلطانه قال له منجمه يولد ليلة كذا وكذا غالما يفسد ملكك‬
."‫ فبات األسد و لبوته يحلسونه ونجاه هللا‬.‫ فلما ولد دانييل ألقته أمه في أجمت أسد‬.‫يولد تلك الليلة‬
"Anna al malika allathii kaana Daaniyeel fii suldhaanihi qaala lahu munajjimuuhu:
"Yuuladu laylata kathaa wa kathaa ghulaamun yufsidu mulkaka". Fa amara bi qatli man
yuuladu tilka al laylata. Falammaa walada Daaniyeel alqathu ummuhu fii ajmati asadin.
Fa baata al asadu wa labwatuhu yaxlusaanuhau wa najjaahu Allaahu" .
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Boqorka uu Daaaniyeel‫ دانيا‬Dawladdiisa ku dhex noolaa ayaa waxay raggiisa xidigaha ku
faaliya ku yiraahdeen:
116
"Habeenka sidaas iyo sidaas ah waxaa dhalan doona wiil boqornimadaada fasaadinaya oo
boqortooyadaada duminaya. Markaasuu wuxuu Boqorku amar ku bixiyay in wiilasha habeenkaas
dhasha la dilo. Markuu Daaniyeel‫ دانيال‬habeenkaas dhashay ayay waxay hooyadiis ku tuurtay
jiq uu libaax deggan yahay.
Markaasuu aarkii iyo gooshiiba -oo ah libaaxadda dheddigga ah- ay Daaniyeel‫دانيال‬
carrabkooda ku leefleefeen jeceyl ay u qabaan daraadiis, Ilaahayna wuu badbaadiyay".
Taas waxaa ka xoog badan inuu Nabigeennu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenkii
Hijrada uu godka ku yaalla Jabalu Al Thawr/‫ جبل ثور‬ku sugnaaday, isagoo uu Ilaahay ka ilaaliyay
gaalada, oo libaaxa ka xun kana dhib badan, ayadoo uu midkood hadduu ciribtiisa fiiriyo,
markay godka hortiisa taagnaayeen, uu arki lahaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo
ku jira.
Markuu dhashayna, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay wuxuu ka
ilaaliyay yuhuudigii iyo wuxuu la damacsanaa iyo siduu dilkiisa dadka ugu boorriyay, uuna u
yiri:
"Qurayshey\‫قريش‬, wuxuu idin weerarayaa weerar iyo dagaal uu warkoodu isaga gudbo qorrax
kasoo bax iyo qorrax u dhac."
Haybadda Ilyaas/‫وقار إلياس‬
"Waxaadna siisaan haybadda Ilyaas/‫"إلياس‬, oo ka mid ah dhasha Haaruun/‫هارون‬. Nabi
Ilyaas/‫ إلياس‬wuxuu lahaa sifooyinka Muuse\‫ موسى‬oo kale, xagga carada iyo xooggaba,
wuxuuna koray korriimo suuban, isagoo Ilaahay caabudaaya. Ilaahayna wuxuu ka dhigay Nabi
iyo Rasuul, wuxuuna siiyay Aayaat, wuxuuna u sakhiray buuraha iyo libaaxyada iyo kuwo
kaleba, wuxuuna siiyay xoogga toddobaatan Nabi, siduu Al Thaclabii/‫ الثعلبي‬u xusay.
Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma jiro axad kala mid ah haybadda iyo
waynaanta, oo gaartay ilaa heer ay asxaabtiisu ayan karin inay indhaha ka buuxsadaan,
waynaanta haybaddiisa daraadeed. Taas ayaana u sabab ah inayan Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, noo sifeeyn kuwooda yaryar mooyee, sida Calii oo kale, ama kuwa
uu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tarbiyeyn jiray oo gurigiisa kusoo koray
Nabinnimada horteed, sida Hind/‫هند‬, wiilkay Ummu Al Mu'miniin Khadiija bintu Khuweylid ‫أم‬
‫ المؤمنين خديجة بنت خويلد‬dhashay.
Dhawrsanaanta Yaxyaa/‫عصمة يحيى‬
"Waxaadna siisaan dhawrsanaanta Yaxyaa bin Zakariyyaa/‫يحيى بن زكريا‬, kaasoo ka ilaalsanaa
cayaaraha iyo waxa la midka ah intuu caruurta ahaa. Al Thaclabii/‫ الثعلبي‬wuxuu yiri: "Waxaa laga
wariyay Qawlka Ilaahay ee Aayadda laba iyo tobnaad ee Suuratu Maryama/‫سورة مريم‬:
)15( ‫صبِيًّا‬
َ ‫َوآَتَْي َناهُ اْل ُح ْك َم‬
"Wa aataynaahu Al Xukma Sabiyyan(12)",
117
oo macneheedu yahay:
"Waxaanna siinnay xikmo isagoo yar(12)", waxaana la yiri: Tawraadda\‫ التوراة‬ayuu caruurnimada
ku bartay. Waxaa kaloo la yiri: waxyiga ayaa wuxuu kusoo degay isagoo soddon sano jira.
Waxaa kaloo la yiri: wiilal ayaa waxay ugu yeereen cayaar isagoo yar, markaasuu wuxuu yiri:
"Ma inaan cayaarno ayaa naloo abuuray?"
Wuxuu kaloo Al Thaclabii‫ الثعلبي‬wariyay inuu Zakkariyyaa/‫زكريا‬, oo Yaxye/‫ يحيى‬aabihiis ah,
yiri:
"Hadduu wiilkaanu adduunkaan doonayo xaajo kama lihi oo dooni maynno, haduuse aakhiro
doonayo waan soo dhoweyneynaa".
Markaasuu Jibriil/‫ جبريل‬wuxuu yiri:
"Isagu waxaan aakhirada ahaynba ma uu doonayo".
Markaasuu Yaxyaa/‫ يحيى‬kocbay oo uu si fiican u koray."
Ilaahayna Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, shay walba wuu ka ilaaliyay tan iyo
intuu dhashay, sida uu cayaartaba uga fogeeyey, durbadiiba kaddib marka naaska laga gooyey,
uuna u yiri:
."‫"إنا لم نخلق لهذا‬
"Innaa lam nakhluq li haathaa",
oo macneheedu yahay:
"Annaga middaan -oo cayaarta ah- nalooma abuurin".
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ujeedadiisa iyo hawshiisoo idilba waxay
ahaayeen doonidda raalli ahaanshaha Rabbigiis.
Zuhdiga Ciise/‫زهد عيسى‬
"Waxaadna siisaan Zuhdiga Ciise/‫ "عيسى‬ina Maryama/‫ مريم‬oo ku caan baxay siduu
adduunkaanba uga kaaftoomay, oo zuhdigu waa ka kaaftoomidda adduunka qiimaha yar.
Nin kastoo zaahid ahna waxaa ka sare maray, oo ka zaahidsanaa Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo gaaray ilaa heer uu asxaabtiisa qaarkood ka mamnuucay inay ku
yiraahdaan inuu zaahid yahay, sababna uu uga dhigay inuusan adduunkaanba uusan isaga agtisa
qiimaba ka lahayn si uu uga kaaftoomo, oo waxaa laga kaaftoomaa oo naftaba laga reebaa wixii
qiimo leh. Tan kale waaba ayada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasllam, loo soo
bandhigay in buuraha dahab iyo qalin looga dhigo, uuse isagu diiday, waxaana la kala
doorsiiyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Boqornimo iyo Addoonnimo, wuxuuna doortay
addoonnimo.
118
Akhlaaqda Anbiyada oo idil/‫أخالق النبيين‬
"Waxaadna dhex quusisaan oo aad gelisaan akhlaaqda Anbiyada oo idil", kulligood si uu u
yeesho dhammaan akhlaaqda mid walba oo ayaga ka mid ah gooni loo siiyay. Nabi
Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhlaaqdiisu waxayba ahayd Quraanka.
Aaminah/‫ آمنة‬waxay tiri: "Markaasey daruurtii iyo wixii ku dhex jirayba ay iga faydmeen.
Markaasaan waxaan arkay isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa ku haya oo
gacantiisa ka buuxiyay maro xariir ah oo cagaaran, oo si xoog leh loo duubay, xariirtaasna ay
kasoo burqanayaan biyo. Markaasaan waxaan maqlay mid leh:
".‫ بخ‬،‫" بخ‬
"Bakhin, bakh! oo macneheedu yahay: "Arrinku wuu weynaaday oo wuxuu noqday wax loo
bogo": "Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu gacanta ku dhigay adduunka
kulligiis, siduu maradaas xariirta ah gacanta ugu dhigay oo kale, mana uusan harin khalqi
adduunkaan deggan ee waa kan illaa isagoo hoggaansan gacantiisa soo gala, una soo gala run
ahaantii, ama usoo gala xukun ahaan, inta gaalowdayna ay ayagoo u jeeda xujjooyinkuu la
yimid, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay cinaad iyo dulmi daraadiis u diideen."
Waxay tiri:
"Markaasaan isagii dhugtay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mase waaba isagoo sida dayaxa
oo kale uu nuuraya habeenka laylatu al badri\‫( ليلة البدر‬oo ah habeenka dayuxu buuxu oo dhan
yahay oo uu iftiinkiisu naylo qaadka yahay). Caraftiisuna waxay ahayd sida miskiga Al Misku
Al Athfar/‫ المسك األذفر‬oo ah midka aad u udugga badan.
Markaasaa waxaa yimid saddex qof. Midkood wuxuu gacanta ku sidaa ibriiq qalin ka sameysan.
Midka labaadna wuxuu gacanta ku sidaa baaquli cagaaran oo wayn (oo sida qabaalka oo kale
ah). Midka saddexaadna wuxuu gacanta ku sidaa maro xariir oo cad.
Markaasuu marada xariirta fidiyay oo kasoo bixiyay dhexdeeda Khaatam\‫ خاتم‬qofka indhihiisa ku
fiiriya uu la maan wareerayo sifaadkiisa oo wax la mid ah ayan jirin. Markaasuu malaggu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ibriiqaas ka dhaqay toddoba jeer, kaddibna wuxuu
malaggu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku duubay marada xariirta ah, kaddibna
intuu qaaday ayuu wuxuu dhex geliyay baalashiisa, halkaasoo uu saacad ku jiray. Kaddibna
aniguu, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ii soo celiyay."
Xadiithkaan waxaa wariyay Abuu Nucaym/‫أبو نعيم‬, oo ka wariyay Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬,
taagdarro ayaana ku jirta.
Xadiithkaanna waxaa kitaabkiisa Al Mawlidu/‫ المولد‬ku wariyay Al Xaafith Abuu Bakar ibnu
Caa'ith/‫الحافظ أبوبكر إبن العائذ‬, siduu uga soo wariyay Al Shaykh Badru Al Diini Muxammad bin
Cabdu Allaahi Al Zarkashii Al Shaaficii/‫الشيخ برهان الدين محمد بن عبد هللا الزركشي الشافعي‬, caalinka la
wada yaqaan oo dhashay sanadka toddoba boqol iyo shan iyo afartan Hijrada, dhintayna bisha
Rajab ee sanadka toddoba boqol iyo afar iyo sagaasghanka Hijrada.
Al Zarkashii/‫ الزركشي‬wuxuu warkaas ku wariyay kitaabkiisa uu ku sharxayo Al Burdah /‫ البردة‬ee
Buusaiirii/‫البوصيري‬.
119
Al Zarkashii\‫ الزركشي‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬kitaabkiisa uga wariyay inuu yiri:
‫ "أبشر يا محمد فما بقي لنبي علم إى وقد‬:‫"لما ولد صلى هللا عليه وسلم قال في أذنه رضوان خازن الجنة‬
".‫ وأشجعهم قلبا‬،‫ فأنت أكثرهم علما‬،‫أعطيته‬
"Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay ayuu Ridwaan -oo ah malagga
maamula hayana furaha Jannada- wuxuu dhegta midigta ah ugu sheegay oo ku yiri: "Bishaareyso
Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ma jiro cilmi haray oo Nabi la siiyay ee
waa illaa kii adigana lagu siiyay. Sidaas ayaad adigu u tahay kooda ugu cilmi badan uguna qalbi
geesisan."
Al Imaamu Al Buusiirii/‫البوصيري‬
Sharxu Al Hamziyyah fii Madxi Khayri Al Bariyyah/‫الهمزية في مدح خير البرية‬
Qasiidada Al Hamziyyah\‫ الهمزية‬waa ammaanta iyo Siirada Nabi Muxammad, waxaana dhigay
Al Imaamu Al Buusiirii/‫( البوصيري‬waa saad), ahna gabayaaga suufiga ah, magaciisuna yahay
Sharafu Al Diini Muxammad bin Saciid bin Xammaad Al Sinhaajiyyi Al Buusiirii ‫شرف الدين محمد‬
‫بن سعيد بن حماد السنهاجي البوصيري‬, ahna isla imaamka dhigay Al Burdah/‫البردة‬.
Qasiidada waxaa Al Hamziyyah\‫ الهمزية‬loogu bixiyay ayadoo ay tix walba oo ka mid ah
gabaygaan ammaanta ahi uu xarafka hamzah‫ ء‬ama alif gaab sidaan kaloo u naqaanno, ku
dhammaanayo. Magaca qasiidada oo idilna waa Al Hamziyyah ee Ammaanta kan Khalqiga ugu
khayr badan, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Imaamkaan dhigayna waxaa Buusiirii‫ البوصيري‬loogu bixiyay ayadoo uu mid ka mid ah labada
dhashay uu ku dhashay tuulada la yiraahdo Buusiir/‫بوصير‬, midka kalena uu ku dhashay tuulada
Dilaas‫( دالص‬waa saad), labadaas, tuulana ay ka tirsan yihiin tuulooyinka gobolka Banii
Suwayf/‫ بين سويف‬ee arliga Masar/‫مصر‬, halkaasoo uu ku dhashay sanadka lix boqol iyo sideed
Hijriga. Kaddibna wuu bukooday oo jirkiisa nuskiis ayuu ka curyaamay, oo siday soomaalidu
tiraahdo,dabayl ayaa ka martay ama waa ka qallalay.
Markaasuu gabayga Burdaha/‫ بردة‬tiriyay, uuna ku tawasulayo, oo uu ku shafeeco dalbayo Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu cudurkii ka bogsooday. Wuxuu
kaloo tiriyay gabaygaan aan hadda gacanta ku haynno oo ah Al Hamziyyab /‫الهمزية‬, oo aan
haalkaan tixo ka mid ah kasoo guurineynno ayadoo aan af soomaali ku trajumay.
Wuxuu Al Imaamu Busiirii‫ البوصيري‬lagu oofsaday, Allaha u naxariistee, magaalada Al
Iskandariyyah/‫ اإلسكندرية‬ee Masar\‫ مصر‬sanadka lix boqol iyo shan iyo sagaashanka Hijrada,
qabrigiisuna waa macruuf.
Sharaxaan aan kasoo tarjumay waxaa qasiidadaas sharxay al callaamah Muxammad Shalabii ‫محمد‬
/‫شلبي‬, ahna Al Mufattash/‫( المفتش‬oo ah kormeeraha) Wasaaradda Tarbiyada iyo Tacliinta ee
Masar\‫مصر‬, waxaana lagu daabacay Maktabatu Al Aadaab Calii Xasan/‫ مكتبة اآلداب علي حسن‬ee ku
taalla Al Qaahira/‫ القاهرة‬ee Masar/‫مصر‬, sanadka kun iyo afar boqol iyo sideed iyo toban ee
Hijriga, una dhigantah kun iyo sagaal boqol iyo sideed iyo sagaashanka.
‫‪120‬‬
‫‪ wuxuu yiri:‬الشلبي\‪Al Shalabii‬‬
‫‪"Waxaan ka naxay maalinta sabtida ah ee bisha Ramadaan ay tahay toban ee sanadka kun iyo‬‬
‫‪saddex boqol iyo saddex iyo afartan, una dhiganatah afarta Abriile ee sanadka kun iyo sagaal‬‬
‫عبد العزيز أفندي ‪boqol iyo shan iyo labaatanka, geerida wiilkayga Cabdu Al Caziizi Afandii Shalabii‬‬
‫‪ oo Jaamacadda Takhtarnimada laga barto ee Jaamacadda Baarliin (oo ku taalla Misr Al‬الشلبي‪/‬‬
‫‪). Markaasaan waxaan ka baqay inuu arrinkaan xanuunka badani uu‬مصر الجديد‪Jadiidah/‬‬
‫‪sabarkeyga iyo ajarkeyga iyo caafimaadkeyga saameeyo oo uu wax u dhimo.‬‬
‫‪Markaasaan khafiifinta tiiraanyadeyda waxaan la kaashaday laba xarig oo sharaf leh:‬‬
‫‪(Kow) Akhrinta Quraanka Kariimka ah,‬‬
‫‪, aanna ku doonayo inaan ugu tawassulu Nabiga,‬شرح الهمزية\‪(Labo) Sharxidda Al Hamziyyah‬‬
‫‪Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigoo, ka rajo qaba inaan adeegayaalkiisa ka mid noqdo,‬‬
‫"‪aanna ku guuleysto shafcecadiisa Maalinta lasoo noqonayo.‬‬
‫‪ wuxuu sharaxiisa kasoo qaatay‬الشلبي‪Intaasu waa warkiisa oo aan soo koobay. Al Shalabii/‬‬
‫‪ iyo Xaashiyada Al‬إبن حجر الهيتمي‪Sharaxa Hamziyada ee Al Callaamah Ibnu Xajar (Al Haytamii)/‬‬
‫‪. Tixo gabaygii ahna waa kuwaan:‬العالمة الجمال‪Callaamah Al Jamal/‬‬
‫‪ .1‬كيف ترقى رقيك األنبياء‪/‬يا سماء ما طاولتها سماء‪.‬‬
‫‪ .7‬لم يساووك في عالك وقد حا‪/‬ل سنا منك دونهم وسناء‪.‬‬
‫‪ .3‬إنما‪ ،‬مثلوا صفاتك للنا‪/-‬س كما مثل النجوم الماء‪.‬‬
‫‪ .4‬أنت مصباح كل فضل فما تص‪/‬در إال عن ضوئك األضواء‪.‬‬
‫‪ .5‬لك ذات العلوم من عالم الغي‪/-‬ب ومنها ألدم األسماء‪.‬‬
‫‪ .6‬لم تزل في ضمائر المون تختا‪/‬ر لك األمهات واألباء‪.‬‬
‫‪ .2‬ما مضت فترة من الرسل إال‪/‬بشرت قومها بك األنبياء‬
‫‪ .2‬تتباهى بك العصور وتسموا‪/‬بك علياء بعدها علياء‪.‬‬
‫‪ .9‬وبدا للوجود منك كريم‪/‬من كريم آباؤه كرماء‪.‬‬
‫‪ .11‬نسب تحسب العال بحاله‪/‬قلدتها نجومها الجوزاء‪.‬‬
‫‪ .11‬حبذا عقد سؤدد وفخار‪/‬أنت فيه اليتيمة العصماء‪.‬‬
‫‪ .17‬ومحيا كالشمس منك مضيء‪/‬أسفرت عنه ليلة غراء‪.‬‬
‫‪ .13‬ليلة المولد الذي كان للدي‪/‬ن سرور بيومه وازدهاء‪.‬‬
‫‪ .14‬وتولت بشرى الهواتف أن قد‪/‬ولد المصطفى وحق الهناء‪.‬‬
‫‪ .15‬وتداعى إيوان كسرى ولو ال‪/‬آية منك ما تداع البناء‪.‬‬
‫‪ .16‬وغدا كا بيت نار وفيه‪/‬كربة من خموده وبالء‪.‬‬
‫‪ .12‬وعيون للفرس غارت فهل كا‪/‬ن لنارهم بها إطفاء‪.‬‬
‫‪ .12‬مولد كان في طالع الكف‪/‬ر وبال عليهم ووباء‪.‬‬
‫‪ .19‬فهنيأ به ألمنة الفضل‪/‬الذي شرفت به حواء‪.‬‬
‫‪ .71‬من لحواء أنها حملت بأحم‪/‬د أو أنها به نفساء‪.‬‬
‫‪ .71‬يوم نالت بوضعه إبنة وهب‪/‬من فخار ما لم تنله النساء‪.‬‬
‫‪ .77‬وأتت قومه بأفضل مما‪/‬حملت قبله مريم العذراء‪.‬‬
‫‪ .73‬شمتته المالئكة إذ وضعته‪/‬وشفتنا بقولها الشفاء‪.‬‬
‫‪ .74‬رفيعا رأسه وفي ذللك الرف‪/‬ع إلى كل سؤدد إيماء‪.‬‬
‫‪ .75‬رامقا طرفه السماء ومرمى‪/‬عين من شأنه العلو العالء‪.‬‬
‫‪ .76‬وتدال زهر النجوم إليه‪/‬فأضائت بضوئها األرجاء‪.‬‬
‫‪ .72‬وترأت قصور قيصر بالرو‪/‬م يراها من داره البطحاء‪.‬‬
121
1. Kayfa tarqaa ruqiyyaka Al Anbiyaa'u
Yaa samaa'an maa dhaawalathaa Samaa'u
1. Ma gaari karaan Anbiyada kale sarreyntaada oo kale (sida meeshaad gaartay habeenka lagu
dheelmiyey) iyo kaamilnimada sifooyinkaaga/Midka sarreeyow (Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam) oo uusan qof kale ka sare mari karin, oo ka kormari karin (oo Samo
waxaa la yiraahdaa. wixii naga korreeya oo idil, sida cirka oo kale).
2. Lam yusaawuuka fii culaaka wa qad xaa
la sanan minka duunahum wa sanaa'u.
2. Kulama mid aha sarreyntaada iyo sharaftaada, waxaana, hubaal ah inuu (kaas) ka reebay nuur
iyo sharaf iyo sarreyn (aad uga sare martay, ayagana kaa reebay).
3. Innamaa, math-thaluu sifaatika lilnaa
si kamaa math-thala al nujuuma al maa'u.
3. Kuwa wax tilmaama waxay tilmaamahaaga dadka ugu tusaaleeyeen, siday biyuhu u
masawiraan oo u tusaaleeyaan xiddigaha (Samada ka iftiimaya): oo kuwa ku tilmaamay way kari
waayeen oo ay gaari waayeen inay tilmaamahaaga dhabta ah dadka u sifeeyaan iyo sarreynta
makaankaaga, oo awoodooda ayaa taas ka gaabatay. Markaasey waxay kuu masawireen siday
biyaha fadhiya ay xiddigaha sarreeya oo cirka ku yaalla u masawiraan, taasoo aan xaqiiqada
xiddigaha laftooda ahayn, kana fog.
4. Anta misbaaxu kulla fadlin famaa tasduru illaa can daw'ika al adwaa'u.
4. Adigu waxaad tahay faynuusta fadli walba (deeq walba), oo kama ay soo
askumaan iftiinkoodu meel aan ahayn adiga nuurkaaga, oo iftiinkooda waxay
kasoo qaataan adiga nuurkaaga.
5. Laka thaatu al culuumi min caalamii al ghaybi wa minhaa li Aadama al Asmaa'u.
5. Waxaa kuu sugnaaday oo aad leedahay cilmiga iyo aqoonta laftooda iyo magacdaba caalamka
naga maqan oo aanan u jeedin, caalamkaasoo Aadan magacda laga siiyay.
6. Lam tazal fii damaa'iri al kawni tukhtaaru laka al ummahaatu wa al aabaa'u.
6. Waxaad ku sugnaatay jiritaanka aan loo jeedin ayadoo laguu doorayo
hooyooyinka iyo aabayaalka, oo hooyo walba, Xaawo\‫ حواء‬laga soo bilaabo ilaa
Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬laga soo gaaro, iyo aabbe walba marka Aadan\‫ آدم‬laga soo
bilaabo ilaa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬waa laguu dooray.
7. Maa madat fatratun min al Rrusli illaa
bash-sharat qawmahaa bika Al Anbiyaa'u.
7. Ma ayan gudbin fatratun, oo ah zamanka u dhexeeya dhimashada Rasuul Ilaahay iyo soo
diridda Rasuulka ku xigah, ee Rasuul walba, ee waa illaa kuwa ay Anbiyadu dadkooda adiga ugu
bishaareeyeen.
8. Ta-tabaahaa bika al cusuuru wa tasmuu
bika calyaa’u bacdahaa calyaa'u.
8. Zamannadu adigay isugu kaa faanaan, adigayna kugu sare maraan, sarrayn sarreysa iyo darajo
sarreysa.
9. Wa badaa lil wujuudi minka Kariimun
122
min Kariimin aabaa’uhu kuramaa'u.
9. Waxaana adduunka yimid oo usoo if baxay mid Kariim ah oo naaqusnimo kasta ka fiyow,
sifooyinka kaamilnimaduna ay isugu yimaadeen, ayna dhaleen aabe iyo hooyo Kariim ab,
aabayaalkiisuna Kariimiin yihiin.
10. Nasabun taxsibu al culaa bi xulaahu
qalladathaa nujuumahaa al jawzaa’u.
10. Waa nasab hubaal ahaan martabooyin sharaf leh lagu qurxiyay (Al culaa‫ العال‬waa al martabatu
al shariifah\‫المرتبة الشريفة‬. Bi xulaahu\‫ بحاله‬waa jamac xilyah‫ حلية‬oo ah quruxda. joogtada ah oo
qofka ku dheehan oo la taagan), oo ay qurxudaas iyo sharaftaas uga daydeen Al Jawzaa’u\‫الجوزاء‬
oo ah burjiga Samada.
11. Xabathaa ciqdu sududin wa fakhaarin
anta fiihi al yatiimatu al casmaa'u.
11. Haa, kaasi waa kuul, oo ciqdu waa kuusha luqunta lagu xirto, jawaahir ka samaysan ee
hoggaamiyennimo (su'dudin\‫ )سؤدد‬iyo faanid wax wayn oo lagu faano, kuushaas jawharaadka
ahna aad adigu ka tahay yatiimad, oo ah agoon, oo macneheedu yahay ayan wax u eg oo la mid
ah ayan ku jirin, oo cusmad leh oo ilaalsan oo dhawrsan.
12. Wa muxayyan ka al sh-shamsi minka mudii’un
asfarat canhu laylatun gharraa'u.
12. Iyo waji (muxayyan) qorraxda oo kale ah, oo kaaga ah, oo nuuraya,
uuna ka faydmay (asfarat) oo uu soo bandhigay oo muujiyay habeen cad.
13. Laylatu al Mawlidi allathii kaana lildiini suruurun bi yawmihi wa izdihaa'u.
13. Habeenka Mawlidka (dhalashada) oo u ahaa Diinta farax iyo maalintiisaba iyo faanba.
14. Wa tawaalat bushraa al hawaatifi an qad
wulida Al Musdhafaa wa xaqqa al hanaa’u.
14. Markaasaa waxaa is daba galay oo isku xigxigsaday bishaarada al hawaatifi, oo ah cid
hadalkeeda la maqlayo muuqaalkeedase aan loo jeedin, oo sidaasaa telefoonka afka Carabiga
haatif\‫ هاتف‬loogu bixiyay, oo ay isugu bishaareeyeen in Al Musdhafaa\‫( المصطفى‬Kan la doortay)
dhashay, in la farxana (al hanaa'u) ay xaq tahay oo ay sugnaatay.
15. Wa tadaacaa iiwaanu Kisraa wa law laa
Aayatun Minka maa tadaacaa al binaa’u
15. Markaasaa waxaa ku sigtay inuu dumo guriga (iiwaanu\‫ )إيوان‬Kisraa
(Boqorka Faaris\‫ فارس‬oo uu magaciisu ahaa Anuu Shirwaanu\‫)أنوشروان‬,
haddayan/Calaamad Adiga kaa timid ahaynna gurigu kuma sigteen inuu
dumo (intuu gilgishay ayay afar iyo toban daaqadood oo kuwa inta gudaha
qolka laga soo furo la dul istaago, ama inta kuraas la dhigto lagu kor
fariisto kasoo dheceen oo ay burbureen)
16. Wa ghadaa kullu bayti naarin wa fiihi
Kurbatun min khumuudihaa wa balaa'u
16. Markaasuu guri walba ee dabka la caabudo ku jiro (waana macbadyada ay majuusta dabka
caabudda dabka ku shidi jireen oo ay ku caabudi jircen) wuxuu waabariistay oo uu ahaaday
ayadoo dhexdiisa ku sugantahay/Kurbo damidda holaca dabkiisa (ayanse dhinbilaha dabku
damin ee holaca ayaa baa'ba'ay) daraadeed iyo balaayo wayn (imtixaan iyo tijaabo taas ka timid).
17. Wa cuyuunun lil Fursi ghaarat fahal kaana li naarihim bihaa idhfaa'u.
123
17. Iyo ilaha biyuhu kasoo burqadaan oo ay Furus\‫ فرس‬lahayd (oo Boqortooyadii Furus\‫فرس‬
waxaa ka hartay Dalka Iiraan\‫إيران‬. Furus waxaa loogu bixiyay geesinnimadooda oo al faraasatu
waa geesinnimada iyo aabohooda dhalay oo Faaris\‫ فارس‬la oran jiray, ayna iska dhaleen Caysuu
bin Isxaaq bin Ibraahiim Khaliilu Al Rraxmaan\‫ عيصو بن إسحاق بن إبراهيم خليل الرحمن‬oo ahaa Nabi
Yacquub\‫ يعقوب‬mataankiisa iyo Nasmah bintu Ismaaciil bin Ibraahiim Khaliilu Al Rraxmaani
\‫ نسمة بنت إسماعيل بن إبراهيم خليل الرحمن‬Calayhimusssalaamu) ayaa dhulka ku libray oo guray
(Ilahaaas waxaa ka mid ahaa Badyarta Saawah\‫بحيرة ساوة‬, oo ahayd bad wayn oo doonyaha
shiraaca leh ay maraan, sidaan isla kitaabkaan ugu arki doonno markaan ka hadlaynno Aayaadka
la arkay habeenku, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay, inshaa'a Allaahu).
18. Mawlidun kaana minhu fii dhaalici al kufri wabaalun calayhim wa wabaa'u.
18. Waa dhalasho gaalnimada si joogto ah ku noqotay
Murug iyo tiiraanyo iyo bukaan iyo calool xumo gaaray, oo sida daacuunka oo kale ku
wada faafay, ayna gaaladu calaamaddiisa habeenkaasba arkeen, sidaan qasiidada ku arki
doonno, inshaa'a Allaahu.
19. Fa hanii'an bihi li Aaminata al fadlu
Allathii shurrifat bihi Xawaa'u.
19. Deeqda iyo fadliga dhalashadaas wiilka aan la isku khilaafsanayn. inuu khalqiga ugu fadli
badan yahay waxaa loogu hambalyaynayaa Aaminatu\‫آمنة‬. Taasoo ay Xaawo\‫ حواء‬uga sharaf
yeelatay (oo ah hooyadiisa ugu horreysey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Aaminana ay tahay
hooyada dhashay).
20. Man li Xawaa'a annahaa xamalat Axmada aw annahaa bihi nufasaa`u.
20. Yaa Xaawo\‫( حواء‬waa ayeeyo Xaawo) u sugaya yeelashada uurka Axmad\‫أحمد‬
Ama ay dhiigga dhalmadiisa qabto.
21. Yawma naalat bi wadcihi ibnatu Wahabin
Min fakhaarin maa lam tanalhu al nisaa’u.
21. Maalinta ay ina Wahab\‫ بنت وهب‬dhaliddiisa ku heshay/
Faan ayan haweenku dhammaantood helin.
22. Wa atat qawmahaa bi afdala mimmaa
xamalat qablahu Maryamu al cathraa'u.
22. (Aaminah\‫ )آمنة‬waxay dadkeeda u keentay wiil ka fadli badan/
midkay hore Maryama\‫ مريم‬tii bikrada ahayd dadkeeda u keentay (Ciise\‫)عيسى‬.
23. Shammatat-hu al amlaaku ith wadacat-hu
Wa shafatnaa bi qawlihaa Al Shifaa'u.
23. Allaha kuu naxariisto ayay Malaa'igtu ku tiri, (xubnahaaguna sidaas ay yihiin ha u
toosnaadaan oo yeeyan kala tegin,oo sidaasaa qofka hindhisa Allaha kuu naxariisto loo
yiraahdaa, si ay xubnihiisa kala tegey markuu hindhisayey sidoodii hore isugu soo noqdaan)/Al
Shifaa'na\‫( الشفاء‬oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬hooyadiis oo
Aaminah‫ آمنة‬umuliso u ahayd) warkeeda ay sheegtay way nagu farax gelisay.
24. Raafican ra'sahu wa fii thaalika al rafci ilaa kulli su'dudin iimaa’u.
24. Waxay dhashay isagoo madaxiisa kor u haya, kor u hayntaasoo/
Tilmaameysa madaxtinnimo iyo hoggaamin kulligeed.
25. Raamiqan dharfuhu al Ssamaa'a wa marmaa
124
cayni man sha'nuhu al culuwwu al calaa’u.
25. Ayadoo ay indhihiisu Samada kor u dhuganayaan, araggiisuna ku
dhammaanayo meel/isha mid ujeedadiisu ay kor ahaansho korreysa tahay.
26. Wa tadallat Zuhru al nujuumi ilayhi
Fa adaa'at bi daw'ihaa al arjaa’u.
26. Markaasey xiddigaha kaahaya usoo dhowaadeen/
Markaasey nuurkooda dhan walba ku iftiimiyeen.
27. Wa taraa'at qusuuru Qaysara bi al Ruumi yaraahaa man daaruhu Al Badhaxaa'u.
27. Markaasaa waxaa la arkay guryaha Boqorka Rooma/
uuna arkay mid gurigiisu Makkah\‫ مكة‬ku yaallo.
Mawlidkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Xadithka Ibnu Sacad\‫حديث ابن سعد‬
Muxammad bin Sacad bin Maniic Al Haashimii\‫ محمد بن سعد بن مانع الهاشمي‬ee reer Basra\‫بصرة‬,
midka runlowga ahaa iyo xaafithkaba, degeyna Baghdaad\‫بغداد‬, ahaanna kaatibka wax u dhiga Al
Waaqidii\‫الواقدي‬, oo dhintay sanadka Hijriga ah ee laba boqol iyo soddon isagoo laba iyo lixdan
jir ah, Axaadiithtana ka wariyay koox ay ka mid yihiin Cadhaa' bin abii Rabaax \‫عطاء بن أبي رباح‬
iyo Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬inay Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raaalli ka noqdee,
hooyada dhashay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay tiri:
‫ ثم‬،‫"لما فصل مني – تعني النبي صلى هللا عليه وسلم – خرج معه نور أضاء له ما بين المشرق والمغرب‬
".‫ ثم أخذ قبضة من التراب فقبضها ورفع رأسه ألى السماء‬،‫وقع إلى األرض معتمدا على يديه‬
”Lammaa fasala minnii –tacnii Al Nabiyya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam – kharaja
macahu nuurun adaa’a lahu laa bayna al mashriqi wa al maghribi, thumma waqaca ilaa al
ardi muctamidan calaa yadayhi, thumma akhatha qabdatan mina al turaabi fa qabadahaa
wa rafaca ra’sagu ilaa Al Ssamaa’i.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu iga soo go’ay oo soo baxay Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la soo
baxay nuur iftiimiyey inta qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhac u dhexeysa.
Kaddibna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu kusoo dhacay dhulka isagoo labadiisa ruug
dhulka dhigtay labadiisa gacnoodna ku tiirsan.
Kaddibna wuxuu soo qaaday cantoobo ciid ah, oo uu gacantiisa ku qabtay", taasoo tilmaamaysa
inuu dadka arliga deggan ka adkaan doono, oo uu gacanta ku qaban doono.
Ciiduna waxay ka mid tahay mucjizooyinka Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyay, oo
waaba isaga wajiyada cadawgiisa ku firdhiyey cantoobo ciid ah habeenka hijradiisa iyo maalinta
Badar\‫ بدر‬iyo maalinta duullaanka Uxud\‫ أحد‬iyo maalinta duullaanka Xunayn\‫حنين‬.
Ciiddu waxay kaloo tilmaameysaa inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adduunkaan ka
jeestay oo uusan qiimaba la lahayn, sida ciidda oo kale.
Marka, waxaad mooddaa in markuu madaxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor u qaaday
uu leeyahay: "Uba jeesan mayo oo danayn mayo adduunkaan iyo waxa dhexdiisa ku jiraba oo
maal ah oo wuxuuba la mid yahay ciiddaan."
125
Waxay Aaminah\‫ آمنة‬tiri:
"Markaasuu madaxiisa Samada kor ugu qaaday oo uu indhihiisa kor ugu fiiriyey".
Al Jawharii\‫ الجوهري‬wuxuu yiri:
"qaadiddaas uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam madixiisa Samada kor ugu qaaday waxaa ku
jirta tilmaan joogto ah ee kor ahaanshaha arrinkiisa iyo qudraddiisa iyo inuu hoggaamin doono
khalqiga oo idil, iyo caqligiisa isagoo mar walba arrimaha sarreeya danayn jiray oo doonayey
inuu sare usii kaco, taasoo qasadkiisu ahaa."
Al Dhabraanii\‫الطبراني‬, oo ah al xaafith Sulaymaan bin Axmad bin Ayyuub\‫سليمان بن أحمد بن أيوب‬,
wuxuu wariyay in:
"Markuu dhulka kusoo dhacay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inay faraha. gacnihiisu
laabnaayeen, intaan ahayn labada farood ee suulka ku xiga, kuwaaso oo uu fiiqay sida isagoo
Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku tasbiixsanaya oo kale." Waa intaas warkiisu.
Xadiithka Ummu Cuthmaan Al Thaqafiyyah\‫حديث أم عثمان الثقفية‬
Cuthmaan bin abii al Caasii al Thaqafii\‫عثمان بن أبي العاصي الثقفي‬, uuna Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Guddoomiyaha degmada Dbaa'if ka\‫ الطائف‬dhigay, Abuu Bakarna uu xilkaas
usii daayey, Cumarna\‫ عمر‬uu isla xilkaas u daayey, kaddibna uu Cumar\‫ عمر‬u magacaabay dalka
Cumaa‫ عمان‬iyo Baxrayn\‫ البحرين‬sanadka shan iyo tobnaad, kaddibna Basra\‫ بصرة‬ee dalka
Ciraaq\‫ عراق‬degay, halkaasna degganaa ilaa uu ka dhinto sanadka kontonaad ama kow iyo
kontonaad ee Hijrada, wuxuu hooyadiis Ummu Cuthmaan Al Thaqafiyyah\‫ أم عثمان الثقفية‬oo
saxaabiyad ahayd, magaceeduna ahaa Faadhimatu bintu Cabdu Allaahi\‫فاطمة بنت عبد هللا‬, ka
wariyay inay tiri:
‫ ورأيت‬،‫ صلى هللا عليه وسلم – رأيت البيت حين وقع قد امتأل نورا‬- ‫"لما حضرت والدة رسول هللا‬
".‫النجوم تدنو حتى ظننت أنها ستقع علي‬
"Marka la gaaray dhalashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan arkay
in markuu caloosha hooyadiis kasoo baxay uu guriguu dhexdiisa ku dhashay nuur ka buuxsamay.
Waxaan kaloo arkay xiddigihii Samada oo ii soo dhowaaday ilaa heer aan u mooday inay igu soo
dul dhacayaan".
Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Bayhaqii\‫ البهقي‬iyo Al Dhabarii\‫ الطبري‬iyo Ibnu Cabdu Al Barr ‫عبد‬
‫البر‬.
Waxaana Xadiithkaan oo kale wariyay Abuu Nucaym \‫أبو نعيم‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu
Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬, Xadiithka saddex iyo sagaashanaad.
Al Bayhaqiina\‫ البيهقي‬wuxuu ku wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬, oo
toddoba mujallad ka kooban, mujalladka koowaad bogga boqol iyo kow iyo toban.
Al Haythamii\‫ الهيثمي‬wuxuu isaguna ku wariyay Majmacu Al Zawaa'idi wa Manbacu Al
Fawaa'idi\‫مجمع الزوائد ومنبع الفوائد‬, mujalladka sideedaad bogga laba boqol iyo labaatan.
Sidoo kale waxaa wariyay Al Dhabarii\‫الطبري‬, kuna wariyay kitaabkiisa taariikhda mujalladka
koowaad bogga afar boqol iyo afar iyo konton.
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu Fatxu Al Baarii bi sharxi Saxiixi Al
Bukhaarii‫ فتح الباري بشرح صحيح البخاري‬ku yiri: "Waxaana inay sidaas ahayd uga marag ah
Xadiithka Al Cirbaadu", oo ah sidatan:
126
Xadiithka Al Cirbaadu ibnu Saariyah Al Sulamii\‫حديث العرباض إبن سارية السلمي‬
Imaam Axmad bin Muxammad bin Xanbal\‫ اإلمام أحمد بن محمد بن حنبل‬wuxuu wariyay, siday u
wariyeen Al Bazaar\‫ البزار‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Xaakim\‫ الحكيم‬iyo Al Bayhaqii\‫البيهقي‬,
kana wada wariyeen Al Cirbaadu ibnu Saariyah Al Sulamii\‫ العرباض إبن سارية السلمي‬, Allaha raalli
ka noqdee, oo wariyey inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
،‫ إني دعوة أبي إبراهيم‬،‫ وسأخبركم عن ذلك‬،‫ وإن آدم لمنجدل في طينته‬،‫"إني عند هللا لخاتم النبيين‬
".‫ ورؤيا أمي التي رأت‬،‫وبشارة عيسى‬
"Innii cinda Allaahi la khaatimu Al Nabiyyiina waa Aadamu munjadalun fii dhiinatihi, wa
sa ukhbirukum can thaalika: inii dacwatu abii lbraahiima, wa bishaaratu Ciisaa, wa
ru'yaa ummii allatii ra'at".
Xadiithka Macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu Ilaahay agtiisa waxaan ahaa Khaatama Al Nabiyyiina \‫خاتم األنبياء‬, oo ah midka Nabiyada
lagu gunaanaday oo ugu dambeeyey, ayadoo uu Aadan \‫ آدم‬ku sugan yahay xaaladda uu yahay
dhoobo aan weli naf la gelin oo dhulka yaalla (Ilaahay ayaana Gacnihiisa ku sameeyey).
Arrinkaas ayaanna wax idiinka sheegayaa: Anigu waxaan ahay:
(Kow) Alle Bariga aabahay Ibraahiim\‫( دعوة أبي إبراهيم‬waana markuu ku ducaystay Alle
Bariga ku xusan Aayadda boqol iyo sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ
ِ
ِ
ِ
ِ ْ ‫رب ََّنا و ْابع‬
‫يم‬
َ ‫اب َواْل ِح ْك َمةَ َوُي َزِّكي ِه ْم إَِّن َك أ َْن‬
َ َ‫ث في ِه ْم َر ُسواَل م ْنهُ ْم َي ْتلُو َعلَ ْي ِه ْم آ ََيات َك َوُي َعلِّ ُمهُ ُم اْلكت‬
َ َ َ
ُ ‫ت اْل َع ِز ُيز اْل َحك‬
)231(
"Rabbanaa wa abcath fiihim Rasuulan minhum yatluu calayhim Aayaatika wa
yucallimuhumu Al Kitaaba wa Al Xikmata wa yuzakkiihim, Innaka Anta Al Caziizu Al
Xakiimu(129)"
oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow usoo bixi -waa isaga Ibraahiim\‫ إبراهيم‬ah iyo wiilkiisa Ismaaciil\‫ إسماعيل‬dhashoodaRasuul ayaga ka mid ah oo u akhriya Aayaadkaaga, barana Kitaabka iyo Xikmada -oo ah
Sunnada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-, oo daahiriya, Adigaa ah Caziizka
‫ اْل َع ِز ُيز‬mar walba adkaadee oo xikmada miiran ahe ‫ا ْل َح ِكيم‬
(129)."), iyo:
(Labo) Waxaan ahay bishaarada Ciise\‫(و بشرى عيسى‬oo aha midda ku xusan Aayadda lixaad
ee Suuratu Al Saffii\‫سورة الصف‬:
ِ َّ
ِ َ َ‫وِا ْذ ق‬
ٍ ‫ي ِم َن التَّورِاة وم َب ِّش ار بِرس‬
‫ول‬
َّ ‫ص ِّدقاا لِ َما َب ْي َن َي َد‬
َ ِ‫يسى ْاب ُن َم ْرَي َم َيا َبنِي إِ ْس َرائ‬
ُ َ ‫َْ َ ُ ا‬
َ ‫يل إِِّني َر ُسو ُل الله إِلَ ْي ُك ْم ُم‬
َ ‫ال ع‬
َ
ِ ‫َحم ُد َفلَ َّما جاءهم بِاْلبي َِّن‬
ِ
ِ ِ
)6( ‫ين‬
ٌ ِ‫ات قَالُوا َه َذا ِس ْحٌر ُمب‬
َ ُْ َ َ
ْ ‫َيأْتي م ْن َب ْعدي‬
َ ْ ‫اس ُمهُ أ‬
127
"Wa ith qaala Ciisaa ibnu Maryama yaa banii Israa'iila innii Rasuulu Allaahi ilaykum,
musaddiqan limaa bayna yadayya mina Al Ttawraati, wa mubash-shiran bi Rasuulin ya'tii
min bacdii ismuhu Axmadu(6)",
oo macneheedu yahay:
"Xusuusta markuu Ciise ina Maryama\‫ عيسى ابن مريم‬ku yiri banii Israa'iil:\‫ بني إسرائيل‬:
"waxaan ahay Rasuul Ilaahay idiin soo diray, waanna rumaynayaa Kitaabka Tawraadda ee
horreeyey, waxaanna ku bishaareynayaa Rasuul dabaday imaanaya oo magaciisuna yahay
Axmad\‫(إحمد‬6)."), iyo
(Saddex) waxay hooyaday indheheeda ku aragtay‫( ورؤيا أمي التي رأت‬waana ayadoo soo
jeedda), sidoo kalena ay u arkeen hooyooyinka Nabiyada dhalay (oo waxaa Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam lala wadaajiyay Anbiyada kale, wuxuuse dheer yahay dadka intiisa kale)".
Xadiithka waxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis aragtay, ayna
arkeen Nabiyada kale hooyooyinkoodba, wuxuu ku sugan yahay kutubbada Xadiithka, ayna ka
mid yihiin Al Jaamici Al Kabiiru\‫ الجامع الكبير‬iyo Al Khasaa'isu\‫الخصائص‬.
Al Cirbaadu\‫العرباض‬, oo xusay waxay aragtay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hootadiis wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis markay dhashay waxay aragtay
nuur isaga Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u iftiimiyey guryaha Shaam", oo nuurkaasi
gurigaas ayuu ka bilawday wuuna faafay oo uu socday ilaa uu ka iftiimiyey oo ay Aaminah ka
aragtay guryaha Shaam ku yaalla."
Al Xaafith Ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu yiri:
"Xadiithkaan waxaa saxiix ka dhigay ibnu Xibaan\‫إبن حبان‬, oo ah Al Imaamu, al xaafithu Abuu
Xaakim Muxammad bin Xibaan al Tamiimii al Bustii ‫اإلمام الحافظ أبو حكيم محمد بن حبان التميمي‬
\‫البستي‬, oo loo nisbeeyey magaalada Bust\‫ بست‬oo Khurasaan\‫ خرسان‬darafteeda saaran (liraan),
caalinka wayn oo kutubbada badan dhigay, uuna ka dhigay in ka badan kun sheekh, ayna ka mid
yihiin Al Nasaa'ii\‫ النسائي‬iyo Abuu Yaclaa\‫أبو يعلى‬, wuxuuna caalin ku ahaa culuunta fiqiga iyo
Xadiithka iyo Carabiga iyo wacthiga iyo takhtarnimada iyo xidigaha, wuxuuna ahaa nin gob ah
oo caqli badan, wuxuuna dhintay bisha shawaal ee sanadka Hijriga ah ee saddex boqol iyo afar
iyo konton, isagoo sideetan iyo sagaashan sano dhexdooda ku jira.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu kaloo yiri:
"Xadiithkaan waxaa saxiix ka. dhigay Al Xaakim\‫الحاكم‬, oo ah abuu Cabdu Allaahi, xaafithka
wayn, Muxammad bin Cabdu Allaahi al Dibiyyi al Niisaabuurii ‫الحافظ محمد بن عبد هللا الضبي‬
\‫النيسابوري‬, runlownimadiisa la isku waafaqay iyo siduu aqoonta xadiithka ugu xeel dheer yahay,
Xadiithka iyo cilmi doonistana ugu safar badnaa, oo magaalada Niisaabuur\‫ نيسابور‬in badan kun
sheekh cilmiga uga qaatay, dejiyayna qiyaas shan boqol oo kitaab, siduu Al Thahabii \‫ الذهبي‬u
wariyay, ama kun kitaab siduu Cabdu Al Ghaafir Al Faarisii \‫ عبد الغافر الفارسي‬u wariyay, qaar
kalena ay yiraahdeen kun iyo shan boqol. Isaga laftiisa ayaana wuxuu yiri:
"Waxaan cabbay biyaha Zamzam\‫زمزم‬, waxaanna Ilaahay ka baryay inuu igu arzuqo inaan
kutubbo fiican dejiyo."
Wuxuuna ku dhashay Niisaabuur\‫ نيسابور‬sanadka Hijriga ee saddex boqol iyo kow iyo labaatan,
ayaduuna ku dhintay sanadka afar boqol iyo shan ee Hijriga.
128
Xadiithka ibnu Isxaaq ee Cabdu Allaahi bin abii Dhalxah\‫حديث عبد هللا بن أبي طلحة إلبن إسحاق‬
Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu kaloo Humaam bin Yaxyaa bin Diinaar Al Cawthii ‫همام بن يحيى بن‬
‫دينار العوذي‬, xaafithka reer Basra\‫ بصرة‬ahaa, runlow lagu kalsoon yahayna ahaa, siduu Abuu
Xaatim\‫ أبو حاتم‬u yiri, dhintayna sanadka Hijriga ah ee boqol iyo lix iyo soddon, inuu ka wariyay
Isxaaq bin Cabdu Allaahi bin abii Dhalxah Al Ansaarii\‫إسحاق بن عبد هللا بن أبي طلحة األنصاري‬, ama
ibnu Al Xaarith bin Nawfal Al Haashimii\‫إبن الحارث بن نوفل الهاشمي‬, ama ghayrkoodba inay
hooyada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tiri:
".‫ فولدته نظيفا ما به قذر‬،‫"لما ولدته خرج من فرجي نور أضاء له قصور الشام‬
”Lammaa waladtuhu kharaja min farjii nuurun adaa’a lahu qusuura al Shaami, fa
waladtuhu nathiifan laa bihi qathar.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaan dhalay waxaa farjigayga kasoo baxay nuur ay u iftiimeen guryaha Shaam\‫الشام‬
waxaanna dhalay isagoo nadiif ah oo ayan wasakhi ku oollin".
Waxaa Xadiithka wariyay ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬oo yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasey markay hooyadiis dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay u ciddirtay
awoowihiis oo ay u fartay
".‫ فائته فانظر إليه‬،‫"ولد لك غالم‬
“Walada laka ghulaamun, F’atihi fa anthur ilayhi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wiil ayaa kuu dhashay ee u imow oo arag".
Markaasuu u yimid oo uu fiiriyey , ay ayaduna u sheegtay waxay aragtay markay uurkiisa lahayd
iyo wixii lagu yiri iyo wixii lagu amray inay u bixiso. Waxay dadku leeyihiin inuu markaas
awoowihiis qaaday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu Kacbada la dhex galay, uuna la
dhex istaagay asagoo Alle baryaya, kuna shukrinaya wiilka uu siiyey, kaddibna uu Kacbada kala
soo baxay, oo uu hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhiibay."
Ibnu Daxyah\‫ إبن دحية‬wuxuu wariyay in markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhashay, digsi
wayn lagu kor gambiyay, si uusan axadna u arag awoowihiis hortiis. Markaasuu awoowihiis u
yimid ayadoo uu digsigii uu ka faydmay, oo uu dhinac uga dhacay.
Nuurkaas guryihii Shaam\‫ الشام‬iftiimiyay, gurigiisana buuxiyay markuu Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam dhashay oo Xadiithka lagu wariyay weeye midkuu Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudhdhalib\‫ العباس بن عبد المطلب‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis tilmaamayo
markuu gabaygiisa ku yiri, isagoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la hadlaya:
‫أرض وضاءت بنورك األفق‬
‫وأنت لما ولدت أشرقت ال‬
‫فنحن في ذلك الضياء وفي النو ر وسبل الرشاد نخترق‬
1. Wa anta lammaa wulidta ashraqati al
129
ardu waa daa'at bi nuurika al ufuqu
2. Fa naxnu fii thaaka wa fii al nuuri wa subula al rashaadi nakhtariqu
Labadaas tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Adiguna markaad dhalatay waxaa nuurkaaga ku iftiintay
arlada, nuurkaaguna wuxuu iftiimiyey geeseheeda oo dhan
2. Annaguna iftiinkaas ayaan ku sugannahay iyo nuurka
Waxaanna ku taagannahay dariiqa hanuunka.
Al Xaafith Cabdu Al Rraxmaan bin Rajab\‫ الحافظ عبد الرحمن بن رجب‬wuxuu kitaabkiisa Ladhaa'ifu
Al Macaarifi\‫ لطائف المعارف‬ku yiri:
"Soo bixidda nuurkaas indhaha lagu arkayo oo loo jeedana wuxuu ishaaro u yahay oo
tilmaamayaa badnida nuurka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayji Wasallam, ka imaanaya, oo ah
axkaamta iyo cilmiga oo nuur loo yiri ayadoo lagu hanuuno sida nuurka meesha mugdiga ah
dariiqa loogu hanuuno-ayna ku hanuunaan run ahaantii dadka arliga deggan, sida mu'miniinta oo
kale, ama xukun ahaan kuwa inta xaqqaas arkay hadana canaad la diiday, sida gaalada oo kale,
siduu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadda afar iyo tobnaad ee Suuratu Al Namli\‫ سورة النمل‬ugu
yiri:
ِِ
ِ
)25( ‫ين‬
َ ‫استَْيقََنتْهَا أ َْنفُ ُسهُ ْم ظُْل اما َو ُعلُ ًّوا فَ ْانظُ ْر َك ْي‬
َ ‫ان َعاق َبةُ اْل ُم ْفسد‬
َ ‫ف َك‬
ْ ‫َو َج َح ُدوا بِهَا َو‬
"Wa jaxaduu bihaa wa astayqanathaa anfusuhum(14)",
oo macneheedu yahay:
"Wayna diideen ayagoo ay naftoodu yaqiinsatay(14)".
"Nuurkaas ayuu ku zuuliyay gudcurkii gaalnimada oo ah aqoon darraday gaalnimadu ku
dhisnayd ayuu zuuliyay, oo jaahilnimadu waa gudcur oo kale, oo qofka jaahilka ahi arrimihiisa
wuu la wareersan yahay, oo si uu yeelo ma yaqaanno, sida qofka meel gudcur ah ku socda uu la
wareersan yahay oo uusan u aqoon waxa hortiisa ah. Marka shirkiga iyo gaalniniadu waxay la
mid yiliiin mugdi, isagoo tixgeliyay foolxumadooda waynaanteeda, ama ayadoo uu shirkigu
waqtiga Bicthada\‫ البعثة‬Makkah\‫ مكة‬ku adkaaday, oo wuxuu ula dan leeyahay gaalnimada in
Ilahay sokadiisa ilaahyo kale la caabudo. "Nuurkaas ayuuna ku zuuliyay oo uu ku qaaday
mugdiga gaalnimada, waana tuuba Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadaha shan iyo tobnaad iyo
lix iyo tobnaad ee Suuratu Al Maa'idah\‫ سورة المائدة‬ku yiri: "
ٍ ِ‫َكث‬
‫اء ُك ْم ِم َن‬
َ ‫ير قَ ْد َج‬
ِ ‫الظُّلُم‬
ِ ُّ‫ات إِلَى الن‬
‫ور‬
َ
ِ َ‫ون ِم َن اْل ِكت‬
‫اب َوَي ْعفُو َع ْن‬
َ ُ‫ُك ْنتُ ْم تُ ْخف‬
‫ًَّلِم َوُي ْخ ِرُجهُ ْم ِم َن‬
َ ‫ض َو َانهُ ُسُب َل الس‬
ْ ‫ِر‬
ِ َ‫َه َل اْل ِكت‬
‫ير ِم َّما‬
‫ِّن لَ ُك ْم َكثِ اا‬
ْ ‫َيا أ‬
ُ ‫اء ُك ْم َر ُسولَُنا ُي َبي‬
َ ‫اب قَ ْد َج‬
‫) َي ْهِدي بِ ِه اللَّهُ َم ِن اتََّب َع‬25( ‫ين‬
ٌ َ‫اللَّ ِه ُنوٌر َو ِكت‬
ٌ ِ‫اب ُمب‬
ٍ ‫صر‬
ِ
ِ ِ ِ ِ ِ ِِ
)21( ‫اط ُم ْستَِق ٍيم‬
َ ‫بإ ْذنه َوَي ْهديه ْم إلَى‬
Yaa ahla al Kitaabi qad jaa'akum Rasuulunaa yubayyinu lakum kathiiran mimmaa
kuntum tukhfuuna mina al Kitaabi wa yacfuu can kathiirin: qad jaa'akum mina Allaahi
Nuurun wa Kitaabun mubiinun(15)Yahdii bihi Allaahu mani ittabaca ridwaanahu subula
130
al ssalaami wa yukhrijuhum mina al th-thulumaati ilaa al nnuuri bi ithnihi wa yahdiihim
ilaa siraadhin mustaqiimin(16)",
oo macnohoodu yahay:
"Ehelu Kitaabkow: waxaa idiin yimid Rasuulkeenna oo idiin caddeynaya wax badan oo aad
ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka (Tawreed), wuxuuna. idiin cafiyi wax badan, waxaana
idiinka yimid xagga Ilaahay Nuur iyo Kitaab cad(15)Uuna ku hanuuniyo Ilaahay kuwa raaca
raalli ahaanshihiisa jidka nabadgelyada, wuxuuna ka bixinayaa mugdiyada una bixinaya xagga
nuurka idankiisa, kuna hanuuninayaa jidka toosan(16). "
Goortuu dhashay Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dhashay habeen isniin ah, ka hor intayan
qorraxda maalinta isniinta ahi soo bixin oo uusan waago dillaacin, ayna weli habeen tahay, ayna
laba iyo toban habeen ka gudbeen bisha Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ee sanadka maroodiga,
konton maalmoodna ay kasoo wareegatay maalintuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, kuwii maroodiga
watay oo Kacbada kusoo duulay uu laayey.
Maroodigu wuxuu Makkah\‫ مكة‬yimid bisha Muxarram\‫محرم‬, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu dhashay konton maalmood maalintaas kaddib.
Maalintaasi waxay ku beegan tahay sideed iyo labaatanka bisha Agoosto ee sanadka miilaadiga
ah ee shan boqol iyo toddobaatan, ayna laba iyo afartan sano kasoo wareegatay xukunka
Boqorka liraan ee Kisraa Anuu Shirwaan‫كسرى أنو شروان‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Al Mudh-dhalib bin Cabdu Allaahi bin Qays bin Makhramata\‫المطلب بن عبد هللا بن قيس بن مخرمة‬
wuxuu aabihiis iiga wariyay inuu ka wariyay awoowihiis Qays bin Makhramata \‫قيس بن مخرمة‬,
kaasoo yiri:
"Aniga iyo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu. Calayhi Wasallam, waxaan dhalannay sanadka
maroodiga, oo sidaas ayaan isku fac u nahay".
Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Imaam Axmad\‫ اإلمام أحمد‬iyo Al Bayhaqii\‫البيهقي‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu Xasaan bin Thaabit\‫حسان بن ثابت‬, Allaha raalli ka noqdee, gabayaagii
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay inuu yiri:
"Wallaahi\‫ وهللا‬anigoo wiil kuray ah oo toddoba sano jira ama sideed, aanna garanayo waxaan
maq1o oo idil ayaan waxaan maqlay nin yuhuudi ah oo codkiisa ugu dheer guri Yathrib\‫يثرب‬
(waa magacii hore ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫ )المدينة المنورة‬ku yaalla dushiisa ku
qaylinaya oo leh:
"Yuhuudey!"
Markaasey u yimaadeen oo ay agtiisa ku kulmeen, ayna ku yiraahdeen:
"Hoogee maxaad leedahay?"
Wuxuu yiri:
"Caawa waxaa dhashay oo soo baxay xiddiggii Axmad\‫أحمد‬, oo dhalashadiisa astaan u ahaa".
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasaan Saciid bin Cabdu Al Raxmaan bin Xasaan bin Thaabit ‫سعيد بن عبد الرحمن بن حسان بن‬
\‫ ثابت‬waxaan weydiiyey:
131
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah\‫ المدينة‬soo galay oo
uu yimid (waa Hijradee) Xasaan bin Thaabit\‫ حسان بن ثابت‬meeqa jir ayuu ahaa?"
Wuxuu yiri:
"Lixdan jir".
Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam wuxuu Al Madiinah yimid isagoo saddex
iyo konton sano jira. Sidaas ayuu Xasaan\‫ حسان‬ku maqlay wixii uu maqlay isagoo toddoba sano
jira".
Maalintuu dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu dhashay maalin isniin ah ee bisha
Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, Nabinnimadana waxaa loo soo dejiyay maalin isniin ah ee bisha
Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, Suuradda Al Baqarah\‫سورة البقرة‬-na waxaa lagu soo dejiyay maalin
isniin ah ee bisha Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, Madiinana\‫ المدينة‬wuxuu u haajiray maalin isniin
ah ee bisha Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, waxaana la oofsaday maalin isniin ah ee bisha Rabiicu
Al Awwal\‫ربيع األول‬."
Xadiithka Qabaatha bin Ashyama\‫حديث قباثة بن أشيم للطبري‬
Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu taariikhdiisa ku wariyay oo yiri:
"Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬, Allaha raalli ka noqdee ayaa wuxuu weydiiyey Qabaatha
(tha'da ta ku xigta oo saddexda dhibcood le) bin Ashyama akhaa banii Camr bin Cawf bin Layth
(tha saddex dhibcood leh oo ta ku xigta)\‫قباثة بن أشيم اخا بني عمرو بن عوف بن ليث‬:
"Ma adigaa weyn mase Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?"
Wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa iga wayn, aniguna dhalashada ayaan
uga horreeyey, waxaanna anigu arkay saaladii maroodiga oo cagaaran oo doorsoontay sanad
dabadiis (hal sano kaddib maalintuu maroodigu yimid). Waxaan kaloona arkay Umayyah bin
Cabdi Shams\‫ أمية بن عبد شمس‬oo oday weyn ah, uuna hoggaaminayo addoon uu leeyahay".
Markaasuu wiilkiisu wuxuu yiri: "Qabaathow\‫يا قباثة‬, adigaa ku cilmi leh waxaad leedahay".
Wuxuu dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo gudan
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dhashay isagoo gudan, xudduntuna
ka go'antahay.
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬iyo Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬waxay wada
wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"من كرامتي على ربي أني ولدت مختونا ولم ير أحد سوئتي‬
"Min karaamatii calaa Rabbii annii wulidtu makhtuunan wa lam yara axadun saw'atii".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Karaameynta uu Rabbigay korkeyga yeelay waxaa ka mid ah inaan dhashay anigoo gudan, oo
uusan axadna cawradeyda arag."
132
Ibnu Durayd\‫إبن دريد‬, oo ah Abuu Bakar Muxammad bin Al Xasan\‫أبو بكر محمد بن الحسن‬, luqadda
caalinka ku ahaa, laguna kalsoonaa, kutubbada badanna dhigay, dhashayna sanadka Hijriga ee
laba boqol iyo saddex iyo labaatan, kuna dhintay Cumaan\‫ عمان‬sanadka saddex boqol iyo kow
iyo labaatan, wuxuu kitaabkiisa Al Wishaaxu\‫ الوشاح‬ku wariyay inuu ibnu Al Kalbiyyi|‫إبن الكلبي‬
yiri:
"Waxaa isoo gaartay inuu Aadan\‫ آدم‬dhashay isagoo gudan, iyo inay isaga dabadiis laba iyo
tobanna dhasheen ayagoo gudan, uuna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu
dambeeyey, waxayna kala yihiin: (kow) Nabi Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, (Labo) Shiith\‫ شيث بن آدم‬ina Aadan, (Saddex) Idriis\‫( إدريس‬oo badnida wax
barashadiisa loogu bixiyey) ina Mahlayil\‫مهاليل‬, (Afar) Nuux ina Lamk\‫نوح بن المك‬, (Shan),
Saam ina Nuux‫سام بن نوح‬, (Lix) Luudh ina Haaraan bin Taarkh\‫لوط بن هاران بن تارخ‬,
(Toddoba) Yuusuf ina Yacquub‫يوسف بن يعقوب‬, (Sideed) Muuse ina Cimraan\‫موسى بن عمران‬,
(Sagaal) Sulaymaan ina Daauud\‫سليمان بن داود‬, (Toban) Shucayb ina Miikiil\‫شعيب بن ميكيل‬,
(Kow iyo toban) Yaxyaa ina Zakariyyaa\‫يحيى بن زكريا‬, (Labo iyo toban) Huud ina Caabir ‫هود إبن‬
\‫عابر‬, Calayhimussalaamu.
Muxammad bin Xabiib\‫ محمد بن حبيب‬wuxuu intas ku kordhiyay: (Saddex iyo toban) Zakariyyaa
bin Barkhiyaa\‫ زكريا بن برخيا‬ama Siyaad\‫صياد‬, (Afar iyo toban) Saalix ina Cubayd\‫صالح بن عبيد‬,
iyo (Shan iyo toban) Ciisaa ina Maryama\‫عيسى إبن مريم‬, iyo (Lix iyo toban) Xanthalah bin
Safwaan\‫حنظلة بن صفوان‬.
Sidaasey waxay wadartoodu noqotay toddoba iyo toban, kuwaasoo uu Al Sayuudhii\‫السيوطي‬
gabay ku nidaamiyay, uuna ku yiri:
‫وهم ختان فخذ ال زلت مأنوسا‬
‫ح سام هود شعيب يوسف موسى‬
‫ا وحنظلة الرسي مع عيسى‬
1. Wa sabcatu cashara qudiruu khuliquu\\
wa hum khitaanun fa khuth laa zilta ma'nuusaa.
2. Muxammadun, Aadamu, Idriis, Shiith, wa Nuu\\
xu, Saam, Huud, Shucayb, Yuusuf, Muusaa.
3. Luudh, Sulaymaan, Yaxyaa, Saalix, Zakariyy-\\
aa wa Xanthalah al Rasii maca Ciisaa.
Oo macnihiisu yahay:
1. Toddoba iyo toban waa la qaddaray lana abuuray
ayagoo gudan ee qaado, waa lagu maaweelinayaaye.
2. Muxammad, Aadan, Idriis, Shiith iyo Nuux,
Saam, Huud, Shucayb, Yuusuf, Muuse.
3. Luudh, Sulaymaan, Yaxyaa, Saalix, Zakariyyaa
iyo Xanthalah ee reer Raas iyo Ciise.
‫وسبعة مع عشر قدروا خلقوا‬
‫محمد آدم إدريس شيث ونو‬
‫لوط سليمان يحيى صالح زكري‬
133
Gudniinku waa goynta haragga meeshaas ragga iyo haweenkaba uga yaalla, oo hadduu Ilaahay
Tacaalaa cunugga abuuro haraggaas la'aantiis, waa isagoo dhashay isagoo gudan oo kale. Waxaa
kaloo la yiri inuu awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintiisa toddobaad guday,
oo ahayd sunnada Ibraahiin\‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil\‫إسماعيل‬, oo sidaas sunno Carbeed u noqotay.
Waxaa kaloo la yiri waxaa lagu guday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam guriga Xaliima Al
Sacdiyyah\‫حليمة السعدية‬. Waxaa kaloo la yiri Jibriil\‫ جبريل‬ayaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
guday.
Hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay oran jirtay inayan markay uurkiisa qaaday
isku arag waxay haweenka. uurka lihi isku arkaan, oo ah culays, ama wax gooni ah oo la janto
iyo wax kaleba, iyo inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markay dhashay uu dhulka kusoo
dhacay isagoo ay faraha gacnihiisu laaban yihiin, uuna farta. suulka ku xigtah fiiqayo, sida
isagoo ku tasbiixsanaya oo kale.
Umulisada hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis umuliso u ahayd oo uu gacneheeda
kusoo dhacay Al Shifaa'u bintu Cawf bin Al Xaarith bin Zuhrah\‫الشفاء بنت عوف بن الحارث بن زهرة‬,
oo ninkay u dhaxdo ina adeertiis ahayd.
Al Shifaa'u waa Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf Al Zuhriyyi \‫عبد الرحمن بن عوف الزهري‬, Allaha
raalli ka noqdee, kana midka ah tobanka Jannada loogu bishaareeyey hooyadiis. Al
Shifaa'u\‫ الشفاء‬waxay Aaaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬ugu beegneyd eeddo, ayagoo u wada
dhashay Qurayshta reer Banii Zuhrah\‫بني زهرة‬.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu soo dhacay isagoo ay indhihiisu
Samada kor u dhuganayaan, labadiisa gacnoodna dhulka ayuu dhigay.
Xadiithka Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee dhaqanka jaahiliyada\‫حديث إبن عباس‬
Al Siirah al Xalabiyyah\‫ السيرة الحلبية‬waxay mujalladka koowaad ku warisay bogga toddoba iyo
sideetanaad caado ay Qurayshi\‫ قريش‬lahaan jirtay zamanka jaahiliyada oo ahayd sidatan: hadduu
cunug habeen dhasho digsi wayn oo dhagax ka samaysan ayaa lagu kor gambiyaa, oo dul
saarnaadaa ilaa uu waago ka dillaaco oo baryo.
Markaasay markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhashay ayay haweeni digsi wayn ku kor
gambiyeen, si uusan axadna u arag, siduu ibnu Durayd\‫ إبن دريد‬u wariyay, jeer uu awoowihiis
arko.
Markaasuu awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid ayadoo, uu digsigii ama
dherigii laba gabal u kala dhanbalmay oo uu ka dul dhacay, isaguna uu Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Samada fiirininayo, indhihiisuna ay furan yihiin.
Markaasey haweenkii Cabdu Al Mudhalib\‫ عبد المطلب‬u yimaadeen, oo ay ku yiraahdeen:
"Cunug dhashay oo isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la mid ah hore looma arag, oo
waxaan aragnay inuu dherigii ka kala dhanbalmay, isagana ay indhihiisu furan yihiin, oo uu
Samada fiirinayo".
134
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu haweenka ku yiri:
"Wiilka dhawra, aniguna waxaan rajeynayaa inuu mustaqbal wayn yeeshee, ama uu khayr helee".
Waxaaba Cabdu Allaahi ibnu Cabbas\‫ عبد هللا إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
،‫"كان في عهد الجاهلية إذا ولد لهم مولود من تحت الليل وضعوه تحت االناء ال ينظرون إليه حتى يصبحوا‬
‫فلما ولد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم وضعوه تحت برمة – زاد في لفظه ضخمة – فلما أصبحوا اتوا‬
".‫البرمة فإذا هي قد انفلقت ثنتين وعيناه إلى السماء فتعجبوا من ذلك‬
"Casrigii jaahiliyada markuu wiil habeennimada dhasho waxay hoos dhigi jireen (oo ay ku kor
gambiyi jireen) Digsi wayn, lamana dhugan jirin ilaa uu waago ka baryo, markaasuu markuu
dhashay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ayay waxay ku kor gambiyeen digsi, ama dheri,
wayn. Markaasay markay waabariisteen digsigii u yimaadeen waxayna arkeen inuu laba u kala
jabay oo ka kala dhacay, indhihiisuna ay samada fiiriniyaaan, taasoo ay la yaabeen”, taasoo u
daliil ah inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habennimo dhashay. "
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu ka wariyay Barqiyyi bin Mukhlad\‫ برقي بن مخلد‬inuu tafsiirkfisa ku
wariyay inuu Ibliis -Allaha lacnadee- uu afar goor qayliyay (ranna arbaca rannaatin\‫) رن أربع رنات‬:
(Kow) Qaylo markii la lacnaday. (Labo) Qaylo markii arligaan loo soo dejiyay. (Saddex)
Qaylana maalintuu. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay. (Afar) Qaylo
marka Suuratu Al Faatixah\‫ سورة الفاتحة‬la soo dejiyay.
Waxay oran jirtay ina markay uurka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay
qaaday Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raalli ka noqdee, Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, hooyadiis, loo yimid oo lagu yiri:
".‫ فإذا وضعته فسميه محمدا‬،‫"إنك حملت بسيد هذه األمة‬
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaad qaaday hoggaamiyaha ummaddaan, marka markuu dhulka kusoo dhaco waxaad
tiraahdaa:
".‫"أعيذه بالواحد من شر كل حاسد ثم سميه محمدا‬
"Waxaan magan geliyay Midka Waaxidka ah oo aan ka magangeliyay sharka. mid kastoo xaasid
ah" kaddibna waxaad u bixisaa Muxammad\‫"محمد‬.
Aaminah\‫ آمنة‬markay qaaday Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay aragtay inuu, kasoo
baxay nuur ay ku aragtay oo u iftiimiyey guryaha Busraa\‫ بصرى‬ee arliga Shaam\‫الشام‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Nuurkaas ay Aaminah\‫ آمنة‬aragtay markay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhashay oo
guryaha Shaam u iftiimiyey waa furidda uu Ilaahay u furay arligaas, halkaasooba khilaafada
saldhig u ahayd casrigii Amawiyyiinta\‫األومويين‬, ayna la kaahday ayada iyo arliga intiisa kaleba
nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
135
Sidoo kale ayuu Khaalid bin Saciid bin Al Caasii\‫ خالد بن سعيد بن العاصي‬in yar Bicthada\‫ البعثة‬ka,
hor wuxuu arkay nuur kasoo baxay ceelka Zamzam\‫زمزم‬, una muujiyay oo uu ku arkay timirta oo
midabkeedu hurdiga yahay (sida liinta midabkeeda oo kale) oo ku taalla geedaha timirta ee
Yathrib\‫( يثرب‬oo ah Al Madiinah Al Munawwarah\‫)المدينة المنورة‬.
Markaasuu walaalkiis Camr\‫ عمرو‬u sheegay, kaasoo ku yiri:
"Waa ceelkuu qoday Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, nuurkaasna ayaguu ka yimid oo leh,
taas ayaana u sabab ahayd inuu dhakhso u islaamay (oo wuxuu ka mid ahaa kuwa bilowga,
islaamkaba islaamay oo u hormaray)."
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ka wariyay inay Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
‫وهب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis markay uurkiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday loo yimid oo la yiri:
"adigu waxaad qaaday hoogaamiyaha ummaddaan, ee markuu dhulka kusoo dhaco waxaad
tiraahdaa:
‫"أعيذه بألواحد من شر كل حاسد في كل بر عاهد وكل عبد رائد يرود غير رائد فإنه عبد حميد مجيد حتى‬
"‫أراه أثر ألمشاهد‬
"Waaxaan ka magan geliyay Midka Waaxidka ah sharka kulli mid xaasid ah oo ku sugan barri
kasta oo xaasidnimada ku xeel dheer sida isagoo cahdi iyo heshiis la leh oo kale, iyo mid kasta
oo xumaan la doonaya oo la mid ah midka xoolaha biyaha iyo daaqsiinta u soo sahmiya, isaguse
xumaan falidda u sahan ah, oo aarn isaga wax tarayn, uunna mid wax reeba uu uu iga celiyo,
maxaa yeelay Isagu waa Xamiidun Maajidun, ilaa aan ka arko isagoo goobaha raggu ay talada
isugu yimaadaan goob joog ka ah oo ka qayb galaya. "
Sidaas inay tahayna waxaa u calaamad ah inuu nuur la soo baxo, nuur buuxiya guryaha
Busraa\‫ بصرى‬ee arliga Shaam\‫الشام‬. Markuu soo dhacana waxaad u bixisaa Muxammad\‫محمد‬, oo
magaciisa Tawraadda\‫ التورات‬ugu dhiganna waa Axmad\‫أحمد‬, ayadoo inta Samada ku nool iyo
kuwa arliga ku noolba ay ku xamdiyayaan (mahdinayaan).
Magaciisa Injiilka\‫ األنجيل‬ku yaallana waa Axmad\‫أحمد‬, ayagoo ehelu Samada iyo kuwa arliga
degganba ay ku xamdiyaan.
Magaciisa Quraanka ku yaallana waa Muxammad\‫محمد‬."
Intaasuu ku egyabay warkii Ibnu Kathiir\‫إبن كثير‬, oo ku xusan bogga laba boqol iyo shan iyo
afartan ee Juzka labaad ee Al Bidaayah wa Al Nihaayah\‫البداية والنهاية‬.
Saddex Calan
Waxay hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tiri:
".‫ علما بالمشرق وعلما بالمغرب وعلما على ظهر الكعبة‬،‫"رأيت ثالثة أعالم مضروبات‬
"Waxaan arkay saddex calan oo la muday: (Kow) Calan qorrax kasoo bax lagu muday, iyo
(Labo) Calan qorrax u dhac lagu muday, iyo (Saddex) Calan dusha Kacbada lagu suray."
136
Xadiithkaan iyo kii ka horreyeyba waxay sugayaan inay hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, aragtay, markay uurkiisa yeelatay, inuu kasoo baxay nuur u iftiimiyey guryaha
Shaam, kadiibna markay dhashay ay nuurkaas indheheeda ku aragtay, si la mid ah siday markii
horeba ay indheheeda ugu aragtay.
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu
yiri:
"Xadiithyadoodii ayaa qaarkood qaarka kale dhex galay, inay Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
\‫ وهب‬tiri:
"Markaan uurkiisa qaaday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wax dhibaato ah lama aanan
kulmin, ilaa aan ka dhalo. Markuu isagu soo baxayna, waxaa la soo baxay nuur u iftiimiyey inta
qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhac u dhexeysa. Kaddibna dhulka ayuu ku dhacay isagoo
labadiisa gacnood ku tiirsanaya. Markaasuu cantoobo ciid ah soo qaalay oo uu sacabkiisa faraha
kusoo laabay, oo uu ciiddii sidaas u qabtay, madixiisana Samada ayuu kor ugu qaaday”.
Faaliyaha reer Bani Lihb\‫بني لهب‬
Nin kuwa faaliya ka mid ah oo reer Banii Lihb\‫ بني لهب‬u dhashay, ayaa markuu taas maqlay
wuxuu yiri:
"Hadduu warkaasu run yahay, wiilkaan dhashay wuxuu gacanta ku dhigayaa oo uu hananayaa
dadka adduunkaan deggan, isagoo ciiddii gacanta ku dhigay oo ku qabsaday. "
Qaar kalena waxay yiraahdeen: "markuu soo dhacay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu
jilbo jabsaday, waxaana lasoo baxay nuur u iftiimiyey guryaha Shaam\‫ الشام‬iyo suuqyadeedaba,
ilaa uu ka arkay luqumaha geela Busraa\‫ بصرى‬ku sugnaa; madixiisana Samaduu u qaaday."
Al Qaalli Ciyaad\‫ القاضي عياض‬wuxuu Al Shifaa'\‫ الشفاء‬Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf ‫عبد الرحمن‬
‫ بن عوف‬hooyadiis ka wariyay, oo umulisada hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahayd
inay sheegtay in markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labadeeda gacnood kuusoo dhacay
uu qayliyay (istahalla\‫)إستهل‬, ayna maqashay mid oranaya Yarxamuka Allaahu\‫يرحمك هللا‬, oo ah
Ilaahay ha kuu naxariisto, uuna kasoo baxay oo uu kaahay nuur guryihii Roomaanka lagu arkay. "
Foosha Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬
Al Siirah Al Xalabiyyah\‫( السيرة الحلبية‬mujalladka koowaad bogga shan iyo lixdanaad) waxay
warisay:
"Waxaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hooyadiis laga wariyay inay tiri:
"Markuu i qaathay waxa haweenka qaathah markay dhalayaan (foosha ayaa qabatay), aniguna
aan guriga keligey ku ahay, ayaan waxaan arkay haween aad dhererkooda geed timireed moodid,
sida gabdhaha reer Cabdu Manaaf\‫ عبد مناف‬oo kale (Cabdu Manaaf\‫ عبد مناف‬waa awoowaha
saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: gabdhaha reerkaas iyo
gabdhaha reer Cabdu Al Mudhalib-ba\‫ عبد المطلب‬sida raggooda ayay u dheerdheeraayeen) oo
sida dugaagad oo kale dhan walba iiga hareereysan."
Ibnu Al Muxaddath-na\‫ إبن المحدث‬wuxuu wariyay inay tiri:
137
"Waxaa ii soo galay haween dhererkooda aad mooddo gabdhaha reer Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫المطاب‬, oo aanan wax ka waji qurxoon hore u arag. Markaasey mid haweenka ka mid ihi ay
agteyda soo istaagtay oo ay i dul timid. Markaasaan ayada ku tiirsaday. Markaasey fooshii i
qabatay oo ay biyihiina si xoog leh u dillaaceen. Markaasey middood ii timid oo ay biyo la cabbo
i siisay, biyahaasoo caanaha ka cad, barafkana ka qabaw, malabkana ka macaan, waxayna. tiri:
"Cab". Markaasaan cabbay. Markaasey mid saddexaad waxay tiri: "Intaas ka badan cab".
Markaasaan cabidda badsaday. Kaddibna gacanteedey caloosheyda marisay, waxayna tiri:
"Bismi Allaahi kusoo bax. Ithanka Ilaahay Tacaalaa". Markaasey haweenkaasi waxay igu
yiraahdeen:
"Annagu waxaan nahay Aasiyatu\‫( آسية‬bintu Muzaaxim\‫ )بنت مزاحم‬haweenta Fircoon iyo
Maryama bintu Cimraan\‫( مريم بنت عمران‬waa Nabi Ciise, Calayhissalaamu, hooyadiis),
haweenkaasna waxay ka mid yihiin Xuurul Ciinta\‫"حور العين‬.
Ilaahay Tacaala Aasiya iyo Maryama wuu dhawray oo ninna ma uusan taaban, Jannada
dhexdeedana, waxay ka mid yihiin haweenka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam". Intaasuu warka uu kitaabka Al Xalabiyyah\‫ الحلبية‬wariyay ku egyahay.
Ducada awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Hooyadiis markay dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay u ciddirtay awoowihiis
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ayna u fartay inuu wiil u dhashay ee ha u yimaado oo arko.
Fartiintaasu waxay Cabdu Al Mudh-dhalib gaartay isago Kacbada ku dhawaafaya, markaasuu
Aaminah bintu Wahab u yimid.
Markuu u yimidna waxay Aaminah\‫ آمنة‬ku tiri:
.‫ أو كما قالت عليها الصالة والسالم‬،"‫ ولد لك غالم عجيب‬،‫"يا أبا الحارث‬
"Al Xaarith\‫ الحارث‬aabihiisow, waxaa kuu dhashay wiil yaab leh".
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬intuu naxay oo uu cabsaday ayuu wuxuu yiri:
"Miyuusan qof siman oo kaamil ah ahayn?"
Waxay tiri:
"Haa waa qof siman oo kaamil ah, laakiin wuxuu soo baxay isagoo sujuudsan, markaas kaddibna
madixiisa iyo laba farood ayuu Samada kor ugu qaaday."
Intaas kaddibna Aaminah\‫ آمنة‬wiilkii, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ayay qolkii kasoo bixisay
oo ay awoowihiis u keentay, una dhiibtay.
Awoowihiis markii loo dhiibay wuu fiiriyey, uuna baaray inuu kaamil yahay, kaddibna intuu
qaatay ayuu Kacbada la dhex galay. Awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu Kacbada la dhex galay Ilaahay ayuu magan geliyay, wuxuuna
yiri:
‫الحمد هلل الذي أعطاني \ هذا الغالم الطيب األردان‬
‫قد ساد في المهد على الغلمان \ أعيذه بالبيت ذي األركان‬
‫حتى يكون بلغة الفتيان \ حتى أراه بالغ البنيان‬
‫أعيذه من كل ذي شنان \ من حاسد مضطرب العنان‬
‫ذي همة ليس له عينان \ حتى أراه رافع السان‬
138
‫أنت الذي سميت في القرآن \ في كتب ثابتة المثاني‬
.‫أحمد مكتوب على البيان‬
1. Al Xamdu li Allaahi Allathii acdhaanii
haathaa al ghulaama al dhayyiba al ardaani.
2. Qad saada fii al mahdi calaa al ghilmaani
uciithuhu bi Al Bayti thii Al Arkaani.
3. Xattaa yakuuna bulghata al fityaani
xattaa araahu baaligha al bunyaani.
4. Uciithuhu min kulli thii shanaani
min xaasidin mud-dharibi al cinaani.
5. Thii himmatin laysa lahu caynaani
xattaa araahu raafica al saani.
6. Anta Allathii sammayta fii Al Quraani
fii kutubin haabitati al mathaanii.
7. Axmadu maktuubun calaa al Bayaani.
Alle barigas macnihiisu waxaa weeye:
1. Mahad waxaa leh Ilaaha i siiyey
wiilkaan dunta wanaagsan sida xariirta oo kale.
2. Isagoo yar ayuu wiilasha hoggaamiye u noqday
waxaan magan gelinayaa Guriga Arkaanta leh.
3. Inuu noqdo kan ugu xoog badan ragga
aanna arko isagoo ay korriimadiisu buuxsantay.
4. Waxaan ka magan gelinayaa kulli mid nacayb leh
mid xaasid ah oo garaad yar oo mucaarid ah.
5. Oo xoog iyo himmad leh, aanse indho lahayn
markaan arko isagoo carrabka kor u taagaya.
6. Adigaa Quraanka ku magacaabay
Kutubbo sugan oo labo ah.
7. Axmadu sidaas ayaana Kitaabka ku dhigan.
Waxaa kaloo gabaygaan wariyay Dhabaqaatu Ibnu Sacad (Mujalladka koowaad bogga sagaal iyo
lixdan),
‫الحمد هلل الذي أعطاني \ هذا الغالم الطيب األردان‬
‫قد ساد في المهد على الغلمان \ أعيذه باهلل ذي األركان‬
‫حتى أراه بالغ البنيان \ أعيذه من كل ذي شنان‬
.‫من حاسد مضطرب العنان‬
Alle barigas macnihiisu waxaa weeye:
1. Mahad waxaa leh Ilaaha i siiyey
wiilkaan dunta wanaagsan sida xariirta oo kale.
2. Isagoo yar ayuu wiilasha hoggaamiye u noqday
waxaan magan gelinayaa Allaahu oo Arkaanta leh.
3. aanna arko isagoo ay korriimadiisu buuxsantay
139
Waxaan ka magan gelinayaa kulli mid nacayb leh
4. mid xaasid ah oo garaad yar oo mucaarid ah.
Waxaa kaloo wariyay Al Muntathimu\‫ المنتظم‬ee ibnu Al Jawziyyi\‫( إبن الجوزي‬Mujalladlka labaad,
bogga laba boqol iyo sagaal iyo afartan) iyo Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬Al Bidaayah wa Al Nihaayah,
‫ البدبية والنهاية‬Juzka labaad, bogga laba boqol iyo lix iyo afartan).
Waxaa kaloo wariyay Al Suhaylii\‫السهيلي‬: mujalladka koowaad bogga laba boqol iyo labo iyo
labaatan.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kaddib usoo celiyay
hooyadiis.
Cabdu Al Mudhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu doonayey inuu u bixiyo, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, Qutham\‫قثم‬, markayse Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬u sheegtay in lagu yiri
inuu Muxammad\‫ محمد‬u bixiso, wuuna ka yeelay.
Taariikhu Al Khamiisi‫ تاريخ الخميس‬: wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬arkay unna
maqlay habeenkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Al qaallii Al Diyaarbakrii\‫ القاضي الدياربكري‬wuxuu kitaabkiisa Taariikhu Al Kjamiisi\‫تاريخ الحميس‬,
mujalladka koowaad bogga laba boqol iyo laba ku wariyay Xadiithka ku saabsan Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬uuna ku sheegayo wuxuu inbdhihiisa ku arkay dhegihiisana ku maqlay
habeenkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhashay,
wuxuuna yiri:
‫"ليلة ميالد محمد كنت في الطواف فلما مضى نصف الليل رأيت الكعبة سجدت نحو مقام إبراهيم وسمعت‬
‫التكبير أهلل أكبر أهلل أكبر اآلن طهرت من أنجاس المشركين وأرجاس الجاهلية ثم تساقطت األصنام وأنا‬
‫ ونادى مناد أال إن آمنة قد ولدت‬.‫أنظر إلى هبل الذي هو أكبر األصنام فرأيته سقط منكبا على الحجر‬
".‫محمدا‬
.‫كذا في شواهد النبوة‬
Laylata miilaadi Muxammadin kuntu fii al dhawaafi falammaa madaa nisfu al llayli
ra’aytu Al Kacbata sajadat naxwa Maqaami Ibraahiima , samictu Al Takbiira “Allaahu
Akbaru Allaahu Akbaru al aana dhahurat min anjaasi al mushrikiina wa arjaasi al
jaahiliyati.” Thumma tasaaqadhati al asnaamu wa anaa anthuru ilaa hubal allathii huwa
akbaru al asnaami fa ra’aytahu saqadha munkiban calaa Al Xijri. Wa naadaa munaadin:
“alaa inna Aaminah waladat Muxammadan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Habeenkuu Muxammad\‫ محمد‬dhashay (Kacbadaan) ku dhawaafayay, markaasuu markuu
habeenka barkiis gudbay ayaan waxaan arkay Kacbada\‫ الكعبة‬oo u sujuudday xagga Maqaamu
Ibraahiima‫ مقام إبراهيم‬, waxaanna maqlay takbiirta oraneysa:
“Allaahu Akbaru\‫ !هللا أكبر‬Allaahu Akbaru\‫ !هللا أكبر‬Hadday (Kacbadu) daahir ka noqotay
nijaasooyinka gaalada mushrikiinta ah, iyo qurunka iyo shirkiga jaahiliyada.”
Markaas kaddib ayaa waxaa soo hoobtay oo dhulka kusoo daatay asnaamta, oo uu sanamka
Hubal\‫ هبل‬oo asnaamta ugu wayn anigoo u jeeda uu Al Xijru\‫ الحجر‬waji waji ugu dhacay.
140
Markaasuu mid qayliya la qayliyay oo yiri:
“war hooy! Aaminah\‫ آمنة‬waxay dhashay Muxammad\‫محمد‬.”
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam waa midka Anbiyada ugu cilmi badan
uguna qalbi geesisan
Isla kitaabkaasu wuxuu boggiisa laba boqol iyo saddex ku yiri:
“Al Xaafith Abuu Bakar bin Caa’ith‫ الحافظ أبو بكر بن عائذ‬wuxuu kitaabka “Al Mawlid"‫ ”"المولد‬uga
wariyay Al Shaykh Badru Al Ddiini Al Zarkashii‫ الشيخ بدر الدين الزركشي‬uuna ku sharxayo
(qasiidada) “Burdatu Al Madiixi‫ ” في شرح بردة المديح‬inuu ibnu Cabbaas‫ إبن عباس‬yiri:
‫ "أبشر يا محمد فما بقى لنبي علم‬:‫" لما ولد النبي صلى هللا عليه وسلم قال في أذنه رضوان خازن الجنان‬
".‫إال وقد أعطيته فأنت أكثرهم علما وأشجعهم قلبا‬
Lammaa walada Al Nabiyyu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam qaala fii uthunihi
Ridwaanu khaazini Al Janaani: “Abshir yaa Muxammadu! Famaa baqiya li Nabiyyin
cilmun illaa wa qad ucdhaytahu, fa anta akh-tharuhum cilman wa ash-jacahum qalban.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”Markuu dhashay Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu dhegtiisa ugu sheegay
Ridwaan\‫( رضوان‬Malagga) madaxa ka ah maamulidda Jannooyinka uuna ku yiri:
”Bishaareyso Muxammadow‫ ! أبشر يا محمد‬Uma harin Nabi cilmi (waana Nabiyadoo idil) ee waa
illaa midka adigana lagu siiyay, oo sidaasaad adigu waxaad ku tahay kooda ugu cilmi badan
uguna qalbi geesisan.”
Waa intaas warka kitaabkaas aan kasoo qaadannay.
Saddexda nin oo hore Muxammad‫ محمد‬loo bixiyay
Tan iyo waagaas waxaa Carabta magaca Muxammad\‫ محمد‬kala baxay saddex nin oo kala ah:
(Kow) Muxammad bin Sufyaan bin Mujaashic\‫محمد بن سفيان بن مجاشع‬, iyo (Labo) Muxammad bin
Uxayxata bin Al Julaaxi\‫ محمد بن أحيحة بن الجالح‬oo qabiilka Aws\‫ أوس‬u dhashay, iyo (Saddex)
Muxammad bin Xumraan bin Rabiicah\‫محمد بن حمران بن ربيعة‬.
Saddexdaas nin aabayaalkood waxay wafdi ahaan ugu tageen boqorrada Shaam \‫الشام‬, dhalashada
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, horteed. Boqorrada Shaam \‫ الشام‬qaarkood waxay
cilmi u lahaayee kutubbadii hore, waxayna raggaas u sheegeen inuu soo galay waqtiga uu ku
dhalan doono Xijaaz\‫ حجاز‬Nabigii Aakhiru Zamaanka\‫نبي آخر الزمان‬, magaciisana la yiraahdo
Muxammad\‫محمد‬.
Nin walboo saddexdaas nin ka mid ahaana wuxuu kasoo carraabay haweentiisa oo uur leh.
Markaasaa waxaa mid walba damac ka galay inuu Nabigaasu wiilkiisa ahaado. Markaasuu mid
walba wuxuu nathray inuu hadduu wiil u dhasho uu Muxammad\‫ محمد‬u bixin doono.
Saddexdiiba wiilal ayaa u dhashay, markaasey Muxammad\‫ محمد‬u wada. bixiyeen.
141
Hadliddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Siiratu Al Xalabiyyah\‫ الحلبية‬waxay Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ka warisay inuu Al Waaqidii\‫ الواقدي‬ka
wariyay inuu Nabi Muxammad,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu soo baxay oo uu
dhashay uu hadlay, uuna yiri:
".‫"جالل ربي الرفيع‬
"Jalaala Rabbii Al Rafiicu",
oo macneheedu yahay:
"Midka Jaliilka ah oo Wayn oo korreeya ayaa Rabbigay ah."
Wuxuu kaloo wariyay in waxa ugu horreeyey oo uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku hadlay
markay hooyadiis dhalaysay oo uu caloosheeda kasoo baxayay ay ahayd:
".‫"أهلل أكبر كبيرا والحمد هلل كثيرا وسبحان هللا بكرة وأصيال‬
" Allaahu Akbaru Kabiiran wa al xamdu li Allaahi kathiiran wa subxaanaha Allaahi
bukratan wa asiilan",
oo macnohoodu yahay:
"Ilaahay ayaa mid waynba ka wayn oo ugu wayn‫ أهلل أكبر كبيرا‬, waxaanna leeyahay al xamdu li
Allaahi: oo mahadi Ilaahay ayay u sugnaatay in badan ‫ والحمد هلل كثيرا‬, iyo subxaana Allaahi: oo
Ilaahay xumaan iyo ceeb iyo naaqusnimo iyo baahi waa ka hufan yahay oo ka nazahan yahay oo
ma laha, waabarigii ayaan sidaas leeyahay iyo habeenkiiba‫ وسبحان هللا بكرة وأصيال‬."
Nabiyyada markay dhasheen hadlay
Waxaa kaloo ayaguna markay dhasheen hadlay Nabiyo kale, siduu Al Suhaylii \‫ السهيلي‬qasiiddo
ugu nithaamiyay, uuna yiri:
‫ويحيى و عيسى والخليل ومريم‬
‫و طفل لدي األخدود يرويه مسلم‬
‫يقال لها تزني وال تتكلم‬
‫و زمن الهادي المبارك يختم‬
1. Takallama fii al mahdi Al Nabiyyu Muxammadun
Wa Yaxyaa wa Ciisaa wa Al Khaliilu wa Maryama.
2. Wa mubrii Jurayj, thumma shaahidu Yuusufi
Wa dhiflu laday al ukhduudi yarwiihi Muslimu.
3. Wa dhiflun calayhi marra bi al aamati allatii
Yuqaalu lahaa taznii wa laa tatakallamu.
4. Wa mashiidhatun fii cahdi Fircawna dhiflahaa
Wa zamanu al haadii al mubaaraku yakhtimu.
Gabaygaas macnihiisu waxaa weeye:
‫ تكلم في المهد النبي محمد‬.1
‫ ثم شاهد يوسف‬،‫ و مبري جريج‬.7
‫ و طفل عليه مر باآلمة التي‬.3
‫ و مشيطة في عهد فرعون طفلها‬.4
142
1. Markay dhasheen waxaa hadlay Nabi Muxammad
iyo (Nabi ) Yaxyaa iyo (Nabi) Ciise iyo (Nabi) Al
Khaliilu (Ibraahiim) iyo Maryama (Ciise hooyadiis).
2. Iyo kii dambi laawe ka dhigay Jurayj iyo markhaatigii Yuusuf
Iyo cunuggii godka dhulka laga jeexay oo dabka lagu shiday
Agtiisa ahaa uuna Muslim wariyay.
3. Iyo cunuggii ay haweentu soo ag martay
Oo la lahaa way zinaysatay ayaduna ayan hadlin.
4. Iyo cunugga haweentii u shanlayn jirtay zamanka Fircoon (gabadhiisa)
Zamanka midka wax hanuuniya ee barakaysan ayay ku go'een.
Hadalka Nabi Yaxye\‫كالم نبي هللا يحيى‬
Nabi Yaxye‫ يحيى‬wuxuu hadlay isagoo saddex sano jira, wuxuuna
Calayhimussalaamu, ku yiri:
"Waxaan markhaati ka ahay inaad tahay addoonka iyo Rasuulka Ilaahay. "
Nabi
Ciise,
Hadalka Nabi Ciise\‫كالم نبي هللا عيسى‬
Nabi Ciise\‫ عيسى‬wuxuu marka hore hadlay isagoo caloosha hooyadiis ku jira, oo wuxuu la
hadlay hooyadiis ina adeerkeed ama ina abtigeed, magaciisuna ahaa Yuusuf Al Najjaar ‫يوسف‬
\‫النجار‬.
Sababtuu ula hadlay waxay ahayd in markuu Yuusuf\‫يوسف‬, oo ay Maryama\‫ مريم‬Masjidka
Quddus\‫ القدس‬ka wada shaqayn jireen, arkay inay uur leedahay ayadoo uusan ninnna qabin ayay
qalbigiisa wax galeen.
Markaasuu Yuusuf\‫ يوسف‬wuxuu Maryama\‫ مريم‬ku yiri:
"Maryamoy\‫يامريم‬, beeri ma dhalataa abuur la'aan, wiilna ma ahaadaa aabe la'aan?"
Markaasuu Ciise\‫عيسى‬, isagoo, caloosha hooyadiis ku jira Yuusuf\‫ يوسف‬ku yiri:
"Tagoo Salaadda tuko, Ilaahayna dambi dhaafid ka waydiiso waxa qalbigaaga kusoo dhacay."
Marka labaadna Ciise\‫ عيسى‬wuxuu la hadlay Yuusuf Al Najjaar\‫ يوسف النجار‬oo Maryama\‫مريم‬
raadiyay oo ka daba tegey markay Ciise\‫ عيسى‬dhashay, ayadoo Ilaahayna geedka timirta oo ay ku
hoos dhashay miro uga dhaliyay oo uu geedkii qallaalnaa u cagaariyay, wabi yar oo biyana uu
hoosteeda uga soo burqiyay, wuxuuna ku yiri:
"Yuusufow\‫يوسف‬, bishaareyso, naftaadana wax san u sheeg, ishaaduna ha qabawsato, oo
Rabbigay wuxuu iga soo bixiyay mugdigii riximka ilmo galeenka, wuxuuna ii soo bixiyay
iftiinka adduunka. Waxaan u tegeyaa reer Banii Israa'iil\‫بني إسرائيل‬, waxaanna ugu yeerayaa inay
Ilaahay u hoggaansamaan."
Markaasuu Yuusuf\‫ يوسف‬ka gaddoomay oo intuu Nabi Zakariyyaa\‫ نبي هللا زكريا‬u tegey u sheegay
inay Maryama\‫ مريم‬wiil dhashay iyo hadalkuu wiilkeedu ku yiri.
Mar saddexaad ayuu Ciise\‫ عيسى‬intuu cunugga ahaa hadlay, wuxuuna yiri:
"Ilaahayow Adigu waxaad tahay Midka dhow in kastoo aad korreysid, soo dhowaantaadana
waad ku korreysaa, waxaadna tahay Midka ka korreeya khalqigiisa oo dhan. Indhuhu way ku
dadaaleen, wayse kusoo gaari waayeen, oo ay ku arki waayeen."
143
Kaddibna Ciise wuxuu la hadlay reer Banii Israa'iil\‫بني إسرائيل‬, kaddib markuu dhashay, isagoo
habeen jir ah, ama afartan maalmood, siday riwaayad kale leedahay, wuxuuna. yiri:
ِ
ِ ِ ِ َّ
ِ ِ َ ‫ت وأَو‬
ِ ِ
َّ ‫الص ًَل ِة و‬
‫الزَك ِاة َما‬
َ َ‫ق‬
َ َ‫ال إِِّني َع ْب ُد الله آَتَان َي اْلكت‬
ْ َ ُ ‫) َو َج َعلَني ُم َب َاراكا أ َْي َن َما ُك ْن‬20( ‫اب َو َج َعلَني َنبيًّا‬
َ َّ ‫صاني ب‬
‫ث َحيًّا‬
‫) َوَب ًّار بِ َوالِ َدتِي َولَ ْم َي ْج َعْلنِي َجب اا‬22( ‫ت َحيًّا‬
َ ‫) َوالس‬23( ‫َّار َش ِقيًّا‬
َّ َ‫ًَّل ُم َعل‬
ُ ‫وت َوَي ْوَم أ ُْب َع‬
ُ ‫َم‬
ُ ‫ي َي ْوَم ُولِ ْد‬
ُ ‫ُد ْم‬
ُ ‫ت َوَي ْوَم أ‬
)22(
"Qaala innii cabdu Allaahi aataaniya al Kitaaba wa jacalanii Nabiyyan(30)Wa jacalanii
mubaarakan ayna maa kuntu wa awsaanii bi al ssalaati wa al zzakaati maa dumtu
xayyan(31)Wa barran bi waalidatii wa lam yajcalnii jabbaaran shaqiyyan(32)Wa al
ssalaamu calayya yawma wulidtu wa yawma amuutu wa yawma ubcathu xayyan(33)",
ahna Aayadaha soddon iyo kow iyo soddon iyo labo iyo soddon iyo saddex ee Suuratu Maryama,
oo macnohoodu yahay:
"Wuxuuna yiri: anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuuna i siiyey Kitaabka (Injil), wuxuuna
iga yeelayNabi(30)Wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna. ii
dardaarmay tukashada salaadda iyo bixinta zakada intaan noolahay(31)Wuxuuna iga yeelay mid
hooyadey baarri u ah, igamana yeelin mid madax adag oo xun(52)Nabadgelyana ha ahaato
korkayga maalinta la i dhalay iyo maalinta aan dhimanayo iyo maalinta la isoo bixin doono
anigoo nool(33)."
Hadalka Nabi Ibraahiim\‫نبي هللا إبراهيم‬
Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, wuxuu hadlay markuu. dhashay oo uu soo dhacay.
Markuu soo dhacayna. labadiisa lugood ayuu ku istaagay, wuxuuna. yiri:
".‫ الحمد هلل الذي هدانا لهذا‬.‫ له الملك وله الحمد‬،‫"الإله إال هللا وحده الشريك له‬
"La ilaaha illaa Allaahu Waxdahu la shariika lahu, lahu al mulku wa lahu al xamdu. Al
xamdu li Allaahi Allathii hadaanaa li haathaa",
oo macneheedu yahay:
"Ma uu jiro ilaah aan Ilaahay ahayn keligiis, cid ilaahnimada la wadaagtana ma jirto, Isagaana
lahaansho iyo boqortooyaba iska leh. Xamdi iyo mahadcelin oo idilna Isagaa iska leh oo ay u
sugnaatay. Waxaa mahad leh Ilaaha Islaamka nagu hanuuniyay."
Nabi Ibraahiim\‫ إبراهيم‬wuxuu ku dhashay god buur uurkeeda ku yaalla, ahna godka ay ku
dhasheen Nuux\‫ نوح‬iyo Idriis\‫إدريس‬, Calayhimussalaamu. Kitaabka Tawraadda\‫ التوراة‬godkaas
magaciisa waa "Ghaaru Al Nuuri\‫"غار النور‬, oo ah "Hogga Nuurka".
Sababta uu Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬god ugu dhashay waxay ahayd isagoo Boqorkii waagass ee
Baabil\‫بابل‬, oo ahayd magaalo madaxda boqoqortooyada ku tiillay dalka Ciraaq\‫عراق‬, uu ku
riyooday inuu wiil dadka dalka usoo haajiray, oo ahaa Carabta Yaman kasoo haajiray sida
qoyska Nabi Ibraahiim\‫ إبراهيم‬oo kale, kana dhashay qabiilka Ibraahiim\‫ إبراهيم‬uu xukunkiisa
dumin doono.
144
Markaasuu Boqorku wuxuu amar ku bixiyay in wiil alla oo kuwaas u dhasha la dilo. Sidaas ayay
hooyadiis godkaas ugu dhashay.
Waxaa taas la mid ah dhalashada Nabi Muuse\‫ نبي هللا موسى‬iyo Nabi Ciise\‫نبي هللا عيسى‬, oo ay
boqorradii labadaas dal u talin jiray, kadiib markay boqortooyadooda uga baqeen ay amreen in
wiilkii dadkooda u dhashaba la dilo. Laakiin qofkii Alle dilayo ayaa dhimanaya, taladuna waa
mar walba tii Alle.
Hadalka Nabi Yuusuf iyo markhaatigiisii hadlay\‫كالم نبي هللا يوسف‬
Markay haweentu eedeysey Yuusuf waxaa u markhaati furay, waa riwaayadaha midkoode, wiil
laba bilood jira, ayna dhashay haweeney u adeegi jirtay Zulaykhaa \‫زليخا‬, haweenta Caziizka
Masar\‫ عزيز مصر‬oo eedeysay, siday noo sheegtay Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratu
Yuusuf\‫سورة يوسف‬.
ِ ‫و َش ِه َد َش‬
‫َهلِهَا‬
ْ ‫اه ٌد ِم ْن أ‬
َ
"Wa shahida shaahidun min ahlihaa(26)",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuuna ka marag kacay markhaati ehelkeeda ah(26)".
Nabi Yuusuf\‫نبي هللا يوسف‬, Calayhissalaamu, wuxuu hadlay isagoo caloosha hoyadiis ku jira,
wuxuuna yiri:
"Anigu waxaan ahay midka la waayayo, oo laga librinayo wajiga aabahay oo ka maqnaanaya
zaman dheer".
Markaasey hooyadiis arrinkaas aabihiis u sheegtay, Nabi Yacquub\‫نبي هللا يعقوب‬,
Calayhissalaamu, wuxuuna haweentiisa ku yiri: "Arrinkaan qari oo ha sheegin".
Hadalka Nabi Nuux\‫كالم نبي هللا نوح‬
Nabi Nuux, Calayhissalaamu, markuu dhashay kaddib ayuu hadlay, ayadoo ay hooyadiis hog
buur uurkeed ku yaalla ku dhashay, cabsi ay nafteeda iyo naftiisaba u baqday. Markaasey
markay dhashay oo ay damacday inay tagto ayay waxay tiri:
"Waa Nuuxaah",
oo macneheedu yahay:
"Nuuxoow" ama "Baroortayeey oo nawx waa baroorashada".
Markaasuu Nuux wuxuu hooyadiis ku yiri:
"Hooyoy, axadna ha iiga cabsanin, oo Midka i abuuray ayaa i dhawrayee".
Hadalka Nabi Muuse\‫كالم نبي هللا موسى‬
Nabi Muuse, Calayhissalaamu, markay hooyadiis dhashay, intuu fariistay ayuu wuxuu yiri:
"Hooyey ha cabsannin, oo ah Fircoon ha ka baqin, oo Ilaahay ayaa nala jira".
145
Maalinta koowwaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay kaddib Aaminah \‫ آمنة‬waxay
damacday inay cunuggeeda nuujiso, markaasey naaska u dhigtay. Markay naaskeeda u
dhigtayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu diiday inuu nuugo, afkuuna xirtay oo uu isku
qabsaday.
Markaasey Aaminah\‫ آمنة‬waxay dirtay Ummu Ayman Barakah\‫أم أيمن بركة‬, ayna u dirtay inay
ugu yeerto Thuwaybatu\‫ثويبة‬, oo ahayd addoon uu leeyahay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, adeerkiis Abuu Lahab Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫أبو لهب عبد العزى‬
‫بن عبد المطلب‬, oo markaas nuujineysey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiisa
kale Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫حمزة بن عبد المطلب‬, iyo wiil ay ayada lafteedu dhashay
magaciisuna ahaa Masruux\‫مسروح‬.
Markay Thuwaybatu\‫ ثويبة‬u timid oo ay naaskeeda u dhigtayna inay nuujiso, Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ka diiday.
Sidaas ayuu Nabi Muxammada, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintiisa koowaad ee
adduunkaan uu u qatanaa, oo ayan uurkiisa cunno gelin.
Sidaas ayuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenkiisaas koowaadna u diiday in la
nuujiyo, oo ayan calooshiisa cunno u gelin, uusana habeenkaas seexan, soona jeeday isagoo ay
indhihiisu furan yihiin, Samadana u jeedaan, isagoo qatan, hooyadiisna ay qatanaantiisu kurbo
ku hayso.
Waxaa sidaas guryaha reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ku faaftay inuu wiilkii Cabdu Allaahi ‫عبد‬
\‫ هللا‬buko, aanna la nuujin tan iyo intuu dhashay.
Markaasey waabariga maalintiisa labaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa
Aaminah\‫ آمنة‬u yimid haween reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ah oo wiilka, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka wareystay Markaasey waxay uga warrantay siduu u diiday inuu naasna
nuugo. Markaasey mid walba oo haweenkaas ka mid ihi u tilmaantay daawo bukaankiisa daawo
u ah.
Maalintiisa labaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Maalintiisa labaadna waxay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku gudubtay sida tii hore oo kale,
ayadoo uu nuujinta diiday, araggiisa iyo indhihiisuna ay Samada u jeedaan, hooyadiisna ay
walwashay.
Habeenkii labaadna sidaasoo kale ayuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u diiday, oo ayan
uurkiisa waxba gelin, hooyadiisna ay kurbo ay taas qabto la gam'i wayday, ayna iska boyday
ayadoo wiilkeeda u cabsatay.
Markay naaskeeda u dhigtana faruuryaha ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, isku dhejiyaa oo
u diidaa.
Maalinta saddexaad
Markuu maalinta saddexaad waagu baryay ayaa waxaa Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬u
timid Thuwaybata\‫ثويبة‬, oo naskeeda u dhigtay, markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
nuugay, hooyadiisna ay aad u faraxday.
146
Sidaas ayaa waxaa guryaha reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ugu faaftay inuu ina Cabdu Allaahi ‫عبد‬
\‫هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bukaankii hayey ka bogsooday.
Markaasey haweenka reer Bani Haashim\‫ بني هاشم‬qaarkood Aaminah\‫ آمنة‬u yimadeen.
Haweenkaas waxaa ka mid ahayd Haalatu bintu Uhayb\‫ هالة بنت أهيب‬oo sidda wiilkeeda
Xamzatu bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫حمزة بن عبد المطلب‬. In yar kaddibna waxaa yimid Cabdu
Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, Nabiga, Sallaa Allaah Calayhi Wasallam, awoowihiis oo gacanta
haya wiilkiisa Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫العباس بن عبد المطلب‬, oo markaas saddex
jir ah. Markaasey Ummu Ayman Barakah\‫ أم أيمن بركة‬waxay soo xambaartay Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay ula timid adeerkiis Al Cabbaas\‫العباس‬, si uu u arko wiilkuu
adeerka u yahay.
Markaasey markii loo keenay ayay haweenkii goob joogga ahaa waxay Al Cabbaas \‫ العباس‬ku
yiraahdeen: "Dhunko walaalkaa, dhunko walaalkaa".
Markaasu Al Cabaas‫ العباس‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhunkaday, kaddibna ay
Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬gogoshiisa dib ugu celisay.
Kaddibna Haalatu bintu Uhayb\‫ هالة بنت أهيب‬ayaa intay wiilkeeda Xamzatu bin Cabdu Al
Mudhalib\‫ حمزة بن عبد المطلب‬soo qaadday ayay waxay dhinac seexisay Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, aydoo uu Al Cabbasna\‫ العباس‬fiirinayo.
Bal saddexda wiil oo halkaas isugu yimid fiiri iyo siday taariikhda Banii Aadanka u saameyn
doonaan.
Maalinta toddobaad: walqalid iyo magacbixin
Maalinta toddobaad ee dhalashadiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kasoo wareegtay, waa
loo walqalay, waxaana u wan qalay awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, wuxuuna
sameeyey waliimo ama martiqaad uu Quraysh\‫ قريش‬isugu yeeray.
Markii cunnada laga soo jeestay ayuu nin raggii martida ahaa ka mid ah wuxuu Cabdu Al Mudhdhalib\‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Wiilkaan aan wajigiisa daraadiis nagu karaameysey maxaad u bixisay?"
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Muxammad\‫"محمد‬.
Ninkii wuxuu yiri:
"Oo maxaad ku diiday inaad u bixisid magac ka mid ah magacda tolkiis?"
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Waxaan doonayaa inuu Ilaahna Samada uga mahdiyo (xamdiyo), khalqigiisa arliga joogana ay
ku mahdiyaan (xamdiyaan)."
Cabdu Al Mudbalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu sidaas u yiri hadalkay Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
\‫ وهب‬u sheegtay daraadiis iyo riyaduu isaga laftiisu ku riyooday.
Aayaatka la arkay habeenkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhashay
Habeenkuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay, waxaa la arkay
Aayaad badan oo dhacay. Aayaadkaas, oo ay kutubbada Siiradu wariyeen, ayaan qaarkood
warkooda wax ka sheegeynnaa. Aayaadkaas waxaa ka mid ah Gariirka liwaanu Kisraa ‫إيوان‬
147
\‫كسرى‬, oo ah Qasriga ama guriga Boqorka Faaris, oo ku yiillay magaalada la yiraahdo Al
Madaain\‫المدائن‬, oo ku taalla dalka Ciraaq\‫عراق‬, oo waagaas abayd magaalao madaxda
Boqortooyada Faaris\Iran‫فارس\أيران‬.
Gariirka iiwaanu Kisraa\‫إيوان كسرى‬, damidda holoca dabka iyo riyada
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu Dalaa'ilu Al Nubawwati\‫ دالئل النبوة‬ku wariyay qisada gariirka guriga
boqorka Faaris iyo soo dhicidda afar iyo toban daaqadihiisa ka mid ah iyo riyada qaalliga iyo
damidda holoca dabkay caabudi jireen iyo Aayado kaleba, uuna ka wariyay Makhzuum bin
Hanaa' Al Makhzuumii\‫ مخزوم بن هناء المخزومي‬oo yiri:
"Markay ahayd habeenka. uu dhashay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxaa gariiray guriga boqortooyada ee Kisraa\‫ كسرى‬ee Boqortooyada Faaris, waxaana kasoo
dhacay, oo dhulka. kusoo hoobtay, afar iyo toban daaqadood ama shabaako oo ah kuwa qolka la
xiriira dibaddase uga soo baxsan, oo meel la fariisto uu dhulka ku beegan kase korreysa leh.
Waxaana habeenkaas damay holoca dabka ay Faaris\‫ فارس‬caabudi jireen, isagoo uusan holocaas
kunkii sano oo markaas ka horreysey damin.
Waxaa ayaduna gurtay habeenkaas badyarta Faaris\‫ فارس‬ku tiillay oo magaceedu ahaa Saawah
\‫ساوة‬. Al Muubithaanu\‫الموبذان‬, oo macnihiisu uu afka furuska yahay Qaalliga ama Muftiga,
wuxuu isaguna habeenkaas ku riyooday geel xoog badan oo adadag oo hoggaaminaya fardo
carbeed, oo wabiga Dijlata|‫ دجلة‬oo Ciraaq\‫ عراق‬soo gooyay oo kasoo tillaabay, beledkeedana
(Faaris weeyce) ku faafay.
Markaasuu Boqorka Kisraa markuu waabariistay ayuu soo daadashada daaqadaha ka naxay oo
ka baqday, wuxuuna isku dayey inuu u sabro oo uu kelyo adaygo oo uu arrinkaas qariyo.
Kaddibse wuxuu u arkay inuusan arrinkaas Wasiirradiisa ka qarin iyo madaxda kale ee
Dawladdiisaba, kaddib markuu sabirkiisu wiiqmay.
Markaasuu dhammaantood isugu yeeray oo uu agtiisa ku shiriyay, markay isku yimaadeenna
wuxuu yiri:
"Ma ogtihiin sababta aan idiinku yeeray?"
Waxay yiraahdeen:
"Maya, inuu Boqorku noo sheego mooyee".
Ayagoo halkaas maraya, oo ay xaaladdoodu sidaas tabay, ayaa waxaa Boqorka loo keenay
warqad ay ku dhigan tahay damidda holoca dabka ay reer Faaris\‫ فارس‬caabudi jireen. Taasina
waxay Boqorka ku kordhisay murug murugtii hore u haysay.
Markaasuu Boqorku wuxuu uga warramay waxa cabsiiyey. Markaasuu Qaalligu wuxuu yiri:
"Aniguna, Ilaahay Boqorka ha suubiyee, waxaan xalay ku riyooday geel xoog badan oo adadag
oo hoggaaminaya fardo carbeed, oo wabiga Dijlata\‫( دجلة‬oo Ciraaq\‫ )عراق‬soo gooyay oo kasoo
tillaabay, beledkeedana (Faaris\‫ فارس\إيران‬weeyee) ku faafay."
Markaasuu Boqorku wuxuu yiri:
"Arrinkaani muxuu yahay Qaalliyow?"
Qaalliguna isagaa ugu cilmi badnaa, wuxuuna yiri:
"Waa dhacdo ka dhici doonta oo ka ahaan doonta, xagga Carabta -arliga Carabta".
Markuu sidaas yiri, ayuu Kisraa\‫ كسرى‬wuxuu warqad u dhigay Boqorka Carbeed ee Al
Xiirah‫ الحيرة‬ee arliga Ciraaq\‫عراق‬, oo magaciisu yahay Al Nucmaanu bin Al Munthir ‫النعمان بن‬
148
\‫المنذر‬, ayadoo ay waagaas Ciraaq Boqortooyada Faaris\‫ فارس‬ka tirsanayd, ama, ay gumaysigeeda
ku jirtay, wuxuuna warqaddiisa ku yiri:
"Waxay ka socotaa Boqorka Kisraa\‫كسرى‬, una socotaa Al Nucmaanu bin Al Munthir ‫النعمان بن‬
\‫المنذر‬. Intaas kaddibna: waxaad xaggayga usoo dirtaa nin caalin ku ah waxaan doonayo inaan ka
waraysto".
Markaasuu wuxuu u diray ninka la yiraahdo Cabdu Al Masiix bin Camr bin Xayyaan bin
Buqaylata Al Ghassaanii\‫عبد المسيح بن عمرو بن حيان بقيلة الغساني‬.
Markuu Cabdu Al Masiix\‫ عبد المسيح‬u yimid, wuxuu Kisraa\‫ كسرى‬ku yiri:
"Cilmi ma u leedahay waxaan doonayo inaan kaa waraysto?"
Wuxuu Cabdu Al Masiix\‫ عبد المسيح‬yiri:
"Boqorku ma i waydiinayaa mase waa ii sheegayaa, oo markaas haddaan waxaas cilmi u
leeyahay waan u sheegayaa, haddaanan u lahaynna waxaan u tilmaamayaa qof cilmigaas leh".
Wuxuu yiri:
"Markaasuu wuxuu arkay uga warramay".
Cabdu Al Masiix\‫ عبد المسيح‬wuxuu yiri:
"Cilmigaas waxaa leh nin abtigay ah oo deggan Shaam\‫ الشام‬darafteeda miyiga ah, magaciisana la
yiraahdo Sadhiix\‫"سطيح‬.
Boqorku wuxuu yiri:
"U tag oo wareyso, iina keen fasiraaddiisa waxaan arkay".
Markaasuu Cabdu Al Masiix\‫ عبد المسيح‬u kacay Shaam\‫ الشام‬oo uu Sadhiix\‫ سطيح‬u yimid, kanoo
geeri daanta u saaran.
Markaasuu salaamay, kanna uusan wax jawaab ah siin. Markaasuu Cabdu Al Masiix\‫عبد المسيح‬
gabay tiriyay, uu isku aqoon siinayo.
Markaasuu Sadhiix\‫ سطيح‬labadiisa indhood kala qaaday, uuna yiri:
"Waa Cabdu Al Masiix\‫عبد المسيح‬, oo saaran rati, una soo safray Sadhiix\‫ سطيح‬oo uu yimid
isagoo qabriga saaran.Waxaa kusoo diray Boqorka Saasaan\‫ساسان‬, kuuna soo diray gariirka
Guriga Boqortooyada, iyo damidda holoca dabka iyo riyada Qaalliga oo ku riyooday geel xoog
badan oo adadag oo hoggaaminaya fardo carbeed, oo wabiga Dijlata \‫( دلة‬oo Ciraaq\‫ )عراق‬soo
gooyay oo kasoo tillaabay, beledkeedana (Faaris weeyee) ku faafay.
Cabdu Al Masiixow\‫عبد المسيح‬: hadday badato akhrintu, uuna soo if baxo Saaxibu Al Hiraawata
‫(صاحب الهراوة‬Waana magac ka mid ah magacda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam: Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Al Nihaayah\‫ النهاية‬ku yiri, kadiib markuu qisadaan
xusay: Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa loo dan leeyahay, oo Al Hiraawatu
\‫ الهراوة‬af ahaan waa usha, isaguna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, in badan ayuu ul gacanta
ku haysan jiray), oo ah Midka usha wata, waadiga la yiraahdana Waadii Al Saamaawata ‫وادي‬
‫( السماوات‬kuna yaalla meel u dhexeysa magaalada Kuufah\‫ كوفة‬ee Ciraaq\‫ عراق‬iyo Shaam\‫الشام‬, uu
intuu biyo keenay uu buux dhaafo oo uu biyaha fataho, ayna Badyarada Saawah\‫ ساوة‬gurto,
uuna. holoca dabkka Faaris damo: markaas arliga Shaam‫ الشام‬Sadhiix\‫ سطيح‬Shaam\‫ الشام‬uma aha,
arliga Faarisna waxaa u talinaya Boqorro rag ah iyo Boqorro haween ah oo wadartoodu ay
daaqadaha guriga kasoo dhacay la mid tabay. Kulli waxa soo socdana way imaanayaan."
Sadhiix\‫ سطيح‬markuu intaas yirina isla bartaas ayuu ku dhintay.
149
Sadhiixna\‫سطيح‬, siduu ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬uga wariyay waa Al Rabiicu
bin Rabiicah bin Mascuud bin Maazin bin Thib ibnu Cadiyy bin Maazin Al Azdii ‫الربيع بن ربيعة بن‬
‫مسعود بن مازن بن ذب إبن عدي بن مازن األزدي‬, oo qabiilka Carbeed oo Azd‫ األزد‬u dhashay, hooyadiisna
waa Radcaa bintu Sacd bin Al Xaarith\‫ردعة بنت سعد بن الحارث‬. Nasab kalena waa lagu sheegay.
Sadhiix‫ سطيح‬wuxuu ahaa faaliye caan ah oo carbeed. Markaasuu Cabdu Al Masiix\‫عبد المسيح‬
ratiguu saarnaa xagiisa u gaddoomay, isagoo gabay tirinaya.
Wuxuu yiri:
Markaasuu markuu Cabdu Al Masiix\‫ عبد المسيح‬Kisraa\‫ كسرى‬u yimid oo uu wuxuu Sadhiix\‫سطيح‬
warkiisii ku fasiray, ayuu wuxuu yiri:
"Intay afar iyo toban Boqor talada noo hayaan umuu-ro badan ayaa ahaanaya", oo wuxuu ka
wadaa waqti dheer ayay Dawladdeennu jiraysaa.
Waxaase dhacday inay afar iyo tobankaas toban ka mid ihi ay talada isaga dambeeyeen afar sano
gudohooda, inta soo hartayna kooda ugu dambeeyey laga dilay zamanka Amiiru Al Mu'miniina
Thuu Al Nuurayn Cuthmaan bin Caffaan\‫أمير المؤمنين ذاو النورين عثمان بن عفان‬, Allaha raalli
ka noqdee.
Waxaa la sheegay inuu Haruun Al Rashiid\‫ هارون الرشيد‬uu damcay inuu gurigaas Kisraa\‫كسرى‬
dumiyo, markaasuu wuxuu Wasiirkiisa Yaxyaa bin Khaalid Al Barmakii\‫ يحيى بن خالد البرمكي‬ku
yiri:
"Amiiru Al Mu'miniinow\‫أمير المؤمنين‬, ha dumin dhismo Aayad lslaamka ah".
Isaguna waa ka yeelay. Buusiirii\‫ البوصيري‬wuxuu gurigaas ka yiri:
‫وتداعى إيوان كسرى ولو ال\آية منك ما تداعى البناء‬
‫وغدا كل بيت نار وفيه\كربة من خمودها وبالء‬
1. Wa tadaacaa iiwaanu Kisraa wa law laa
Aayatun Minka maa tadaacaa al binaa'u
1. Markaasaa waxaa ku sigtay inuu dumo guriga (iiwaanu\‫ )إيوان‬Kisraa\‫( كسرى‬Boqorka
Faaris\‫ فارس‬oo uu magaciisu ahaa Anuu Shirwaanu\‫)أنوشروان‬, haddayan/Calaamad Adiga kaa
timid ahaynna gurigu kuma sigteen inuu dumo (intuu gilgishay ayay afar iyo toban daaqadood oo
kuwa inta gudaha qolka laga soo furo la dul istaago, ama lagu kor fariisto kasoo dheceen oo ay
burbureen)
2. Wa ghadaa kullu bayti naarin wa fiihi
Kurbatun min khumuudihaa wa balaa'u.
2. Markaasuu guri walba ee dabka la caabudo ku jiro (waana macbadyada ay majuusta dabka
caabudda dabka ku shidi jireen oo ay halkaas ku caabudi jireen) wuxuu waabariistay oo uu
ahaaday ayadoo dhexdiisa ku sugantahay/Kurbo damidda holaca dabkiisa (ayanse dhinbilaha
dabku damin ee holaca ayaa baa'ba'ay) daraadeed iyo balaayo wayn (imtixaan iyo tijaabo taas ka
timid).
Soo hoobashada Asnaamta
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu Dalaa'ilu Al Nubawwati\‫ دالئل النبوة‬ku wariyay, iyo ghayrkiisba, inay
habeenkuu Nabi Muxammmad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay asnaamta la caabudi
150
jiray ay meeshay saaraayeen ka soo hoobteen oo ay wajiwaji dhulka ugu soo daateen, ayadoo
ayan jirin wax loo jeedo oo riday ama riixay.
Dhul gariir guud
Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬wuxuu kitaabkiisa Muxammadun Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam\‫ محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬ku wariyay inuu Al Yacquubii\‫اليعقوبي‬
kitaabkiisa taariikhda ku yiri:
"Dadka waxaa habeenkaas haleelay dhul gariir saameeyey adduunka oo idil."
Al Yacquubii\‫اليعقوبي‬, siduu ugu qoray Al Ziriklii\‫ الزركلي‬kitaabkiisa Al Aclaamu\‫األعالم‬, waa
Axmad bin Isxaaq bin Jacfar bin Wahab bin Waadix Al Yacquubii Abuu Yacquub ‫أحمد بن إسحاق‬
‫بن جعفر بن وهب بن واضح اليعقوبي أبو أيوب‬, dhintayna sanadka Hijriga ee laba boqol iyo labo iyo
sagaashanka, una dhigantah sagaal boqol iyo shan Miilaadiga, wuxuu ahaa caalin dal mareen ah
oo taariikhda iyo juqraafiga ku xeel dheer, kana mid ahaa dadka reer Baghdaad \‫ بغداد‬ee Ciraaq
‫عراق‬. Wuxuu u safray Maghrib\‫المغرب‬, Armeeniyah\‫ أرمينيا‬oo uu muddo joogay, Hindiya\‫ الهند‬ee
dalalka Carabta. Awoowihiis ayaa ka mid ahaa mawaalida Al Mansuur Al Cabbaasii ‫المنصور‬
\‫العباسي‬. Wuxuu dhigay kutubbo badan oo uu ka mid yahay kitaabkiisa caanka ah ee "Taariikhu
Al Yacquubii‫"تاريخ اليعقوبي‬.
Xoojinta ilaalinta Samada
Habeenkaas uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay, waxaa Samada
lagu kordhiyay ilaalinteeda dambaaburo dab ah oo lagu gano shayaadhiinta usoo dhowaata,
ayadoo dooneysa inay halkaas warka Samada wax ka dhegeystaan.
Guridda badyarta Saawah\‫بحيرة ساوة‬
Habeenkaas uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay waxaa gurtay oo
biyihii ku jiray gureen Badyarada Saawah\‫ساوة‬, ee ku tiillay dalka Faaris\‫( فارس‬iiraan).
Saawah\‫ ساوة‬waxay ka tirsanayd miyiga arliga Faaris. Baddaas waxay ahayd bad wayn uu ku
tiillay meel u dhexeysa labada degmo ee Hamthaan\‫ همذان‬iyo Qum\‫قم‬.
Kitaabka Al Khamiisna\‫ الخميس‬wuxuu yiri:
"dhererkeeda iyo ballaceeduba wuu ka badnaa lix farsakh\‫فرسخ‬, waxaana dul maaxi jiray
maraakiibta, oo loogu kala safri jiray beledyada hareereheeda ah. Biyeheedu intay gureen ilaa
dhibicda ugu dambeysa ayay yaabis qallalan noqotay, ilaa heer bartay ku tiillay ay ka dhalatay
oo laga dhisay magaalada la yiraahdo Saawah\‫"ساوة‬, oo ilaa maanta jirtah, siduu Al Zarqaanii
‫ الزرقاني‬u yiri. Imaam Al Buusiirii wuxuu guridda Saawah\‫ ساوة‬yiri:
‫ن لنارهم بها اطفاء‬
‫وعيون للفرس غارت فهل كا‬
1. Wa cuyuunun lilFursi ghaarat fahal kaa
Na li naarihim bihaa idhfaa’u
1.Iyo ilaha biyuhu kasoo burqadaan oo ay Furus lahayd (oo Boqortooyadii Furus waxaa ka
hartay Dalka liraan. Furus waxaa loogu bixiyay geesinnimadooda oo al faraasatu \‫ الفراسة‬waa
geesinnimada) ayaa dhulka ku libray oo guray. Guridda badyartaan, soo dhicidda daaqadaha
liwaanu Kisraa, riyada Qaalliga iyo damidda holaca dabkay caabudi jireen waxay
151
dhammaantood Aayado u yihiin inay diintaas faasidka ah ee ay haysteen dhiman doonto,
boqortooyadooduna ay burburi doonto, ayna sabab u noqon doonto Diinta uu la imaan doono
Nabiga habeenkaas dhashay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Sidaas ayaana
dhacday/Biyahaasu ma damiyeen dabkooda?
Halkii farsakh waa shan kiilomitir iyo nus iyo afar iyo afartan semtiimitir, siduu u xisaabay Dr.
Muxammad Subxii bin Xasan Xallaaq Abuu Muscab‫ محمد صبحي بن حسن حالق أبو مصعب‬.‫د‬,
kitaabkiisa Al Iidaaxaatu Al Casriyah llmaqaayiisi wa Al Makaayiili wa Al Awzaani wa Al
Nuquudi Al Sharciyati\‫اإليضاحات العصرية للمقاييس والمكلييل واألوزان والنقود الشرعية‬.
Naaqusidda biyaha Badyarada Dhabariyyah\‫بحيرة طبرية‬
Habeenku Nabi Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, dhashay, waxaa yaraaday oo hoos
u dhacay oo is dhimay, aanse wada gurin oo yaabis noqon, biyaha badyarada la yiraahdo
Dhabariyyah\‫طبرية‬, oo ku taalla arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬, waqooyiga magaalada Brakaysan ee
Quddus\‫القدس‬.
Badyartaasi wali ilaa maanta way jirtaa, yaabisiddeeduna, ayanna dbibic biyo ahi ku harayn
waxay calaamad u tahay markuu soo baxayo Al Masiixu Al Dajjaalu \‫المسيح الدجال‬, lacnadda
Ilaahay Tacaalaa korkiisa ha ahaatee. Naaqusidda biyeheedu waxay calaamad u ahayd inay
dadka arligaas degani la kulmi doonaan dagaal iyo arrin wayn: waagaas waxay Falasdhiin\‫فلسطين‬
ka tirsanayd Boqortooyada Rooma, markuu Islaamku yimidna waa laga fara maroorsaday oo
waxay noqdeen dad Muslin ah oo Dawladda Islaamka ka tirsan. Mahaddana Ilaahay ayaa iska
leh.
Maalinta sideedaad: haweenka Banii Sacd bin Bakr‫بني سعد بن بكر‬
Maalinta sideedaad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬soo galay oo yimid toban haween ah oo u dhashay qabiilka
Carbeed ee reer Bani Bakr bin Sacd\‫بني بكر بن سعد‬, ahna jilib Qabiila wayn ee Hawaazin\‫ هوازن‬, oo
raadinaya wiilal Quraysh\‫ قريش‬oo loo dhiibo oo intay arligooda la aadan soo nuujiyaan,
nuujintaasoo labo sano qaadata.
Arliga Banii Sacd bin Bakr\‫ بني بكر بن سعد‬, wuxuu ku yaalla Makkah\‫ مكة‬agteeda, beel waqooyi
bari ka xigtah magaalada Dhaa'if siduu ugu masawiray Dr. Xusayn Mu'nis‫د\حسين مؤنس‬
kitaabkiisa Adhlas Taariikhu Al Islaam\‫أطلس تاريخ اإلسالم‬, laguna daabacay Al Zahraa'u lil iclaami
Al Carabii ee Qaahira dalka Masar sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo toddoba, una
dhigantah kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo sideetan.
, oo \‫حليمة بنت ذؤيب‬Tobankaas haweenka ah waxaa ka mid ahayd Xaliimatu bintu Abii Thu'ayb
yahay Cabdu Allaahi bin Al Xaarith bin Shijnatu bin Jaabir bin \‫أبو ذؤيب‬aabeheed Abuu Thu'ayb
Rizaam bin Naasirah bin Qusayyata bin Nasr bin Sacdi bin Nakr bin Hawaazin bin Mansuur bin
‫عبد هللا بن الحارث بن شجنة بن جابر بن رزام بن‬Cikrimah bin Khasafata bin Qays bin Caylaan bin Mudar
. ‫ناصرة بن قصية بن نصر بن سعد بن بكر بن هوازن بن منصور بن عكرمة بن خصفة بن قيس بن عيالن بن مضر‬
Haweenkaasu markay Makkah\‫ مكة‬soo galeen waxa ugu horreeya oo ay sameeyeen wuxuu ahaa
ayagoo Baytka ku dhawaafay, kaddibna Kacbada agteeda ayay fariisteen, ayagoo dhawraya
Madaxda Makkah\‫ مكة‬oo leh wiilal loo soo nuujiyo. Warka imaatinkooduna daaraha Makkah \‫مكة‬
ayuu ku faafay.
152
Markaasey gabdho wiilal xambaarsan haweenkaas u yimaadeen, oo ay inay soo nuujiyaan usoo
bandhigeen.
Waxaa haweenkaas isaguna u yimid Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬,
awoowaha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay daba socoto Ummu
Ayman\‫ أم أيمن‬oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sida.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬mid haweenkaas ka mid ah Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, u bandhigay inay qaadato oo ay soo nuujiso.
Markaasey haweentu intay xaggiisa usoo jeesatay waxay tiri: "Ma aabihiis ayaad tahay?"
Wuxuu yiri:
"Maya. Aabihiis waa dhintay".
Waxay tiri:
"Oo ma agoon baa?"
Wuxuu ugu jawaabay isagoo madaxiisa ruxay, oo sidaas haa ku yiri.
Markaasey waxay tiri:
"Hadaba maxay awooddaa hooyadiis inay noo sameyso? (Waana waxbee)?"
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬inta ayada ka tegey haweeney kale u tegey.
Ayaduna, sida tii hore oo kale, ayay u diiday, kaddib markay aragtay inuu wiilku, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, agoon yahay, waxayna tiri:
"Annagu waxaan samo fal ka rajeyneynaa wiilka aan qaadanaynno aabihiis, hooyadiis-se maxay
noo samayn kartaa?"
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu wiilka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u geeyey
Xaliima Al Sacdiyyah\‫( حليمة السعدية‬oo Sacdiyyah macneheedu waxaa weeye Xaliimah tan u
dhalatay qabiilka reer Banii Sacd\‫)بني سعد‬, waxayna ku tiri:
"Ma agoonbaa? Hooyadiisna maxay noo samayn kartaa? (Waa waxba). Annaguna waxaan
macruuf iyo samafal ka dooneynaa wiilka aabihiis".
Sidaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wiilkuu awoowaha u yahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ugu bandhigay mid walboo ka mid ah tobanka haweeney, dhammaantoodna
way ka diideen.
Intaasoo idilna Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬waxay taagan tahay meel aan ka fogayn,
ayadoo u jeedda, maqleysana waxa dhex maraya Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo
tobankaas haween.
Suufiyadu waxay yiraahdaan, siduu Al Khamiisu\‫ تاريخ الخميس‬uga wariyay Mujaahid\‫ مجاهد‬oo
yiri:
"Waxaan ibnu Cabbas\‫ إبن عباس‬ku iri:
"Shimbiraha, miyaa ku tartamay inay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
nuujiyaan?"
Wuxuu yiri: "Wa Allaahi\‫ وهللا‬haa, ayaga iyo haweenkoo idilba. Taasina waxay ahaatay kaddib
markuu Samadaan dhow ka dhawaaqay oo uu yiri:
"Kani waa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaamiyaha Anbiyada, waxaana
khayr helay naaska nuujiya."
Markaasey Jinniga iyo shimbiruhu ku tartameen nuujintiisa. Markaasaa loo dhawaaqay
labadoodaas oo lagu yiri"
: Isaga hara, ayadoo uu Ilaahay taas xukmiyay inuu insigu nuujiyo."
Markaasuu guushaas iyo sharaftaas wuxuu gooni u siiyey Xaliimah \‫"حليمة‬. Intaasuu ku egyahay
warka ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬.
153
Suufiyadu waxay yiraahdaan in markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay la
yiri, oo uu Malag yiri, sidaan usoo aragnay:
”Yaa kafaalo qaadaya xabbaddaan luulka ah ee wayn oo qiimaha badan, oo agoonka ah, oo
ayadoo kale iyo wax la qiimo ahba ayan jirin?"
Markaasey shimbiruhu yiraahdeen:
"Annagaa kafaalo qaadeynna, oo ajar ka gurubsanaynna, oo ka ghaniimaysaneynna u adeeggiisa
wayn."
Markaasey waxay wuxuushtu, waa xoolo duureedkee, yiraahdeen:
"Annagaa idiinka xaq leh, annagoo arliga isaga kula nool, inaan helno sharafta iyo waynaanta
lagu helayo kafaalo qaadkiisa."
Markaasaa waxaa la yiri oo loogu dhawaaqay:
"Intiinna la abuurayoo idilow, Ilaahay wuxuu Xikmadiisa qadiimka ah ee horreysey ku dhigay
inuu Nabigiisa Kariimka ah ay nuujin doonto Xaliimah\‫حليمة‬, midda turidda badan (oo magaca
Xaliimah wuxuu ka yimid al xilmu\‫ الحلم‬oo macneheedu yahay turidda: marka ayadu waa midda
turidda badan).".
Waxaana laga wariyay Al Cazafii\‫ العزفي‬inuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markay
Xaliimah\‫ حليمة‬Makkah\‫ مكة‬soo geleysey uu maqlay haatif oranaya:
‫خير األنام وخيارة األخيار‬
‫نعم األمينة هي على األبرار‬
‫ونقية األثواب واألزار‬
.‫أمر وحكم جاء من الجبار‬
‫إن إبن آمنة األمين محمد‬
‫ما إن له غير الحليمة مرضع‬
‫مأمونة من كل عيب فاحش‬
‫ال تسلمنه إلى سواها إنه‬
"(Kow) Inna ibna Aaminah Al Amiinu Muxammadun
Khayru al anaami wa khiyaaratu al akhyaari.
(Labo) Maa in lahu ghayra al Xaliimati murdicun
Nicma al amiinatu hiya. calaa al abraari.
(Saddex) Ma'muunatun min kulli caybin faaxishin
Wa naqiyyatu al athwaabi wa al azraari.
(Afar) Laa tusallimannahu ilaa siwaahaa innahu
Amrun wa xukmun iaa'a mina Al Jabbaari.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Wiilka Aaminah ee ah Al Amiinu Muxammad/
Waa kan khalqiga ugu khayr badan iyo akhyaarta kan ugu khayr badan.
2. Mana uusan laha "d nuujisa oo Xaliimo ghayrkeed ah/
Ayaduna waa mid nicmo leh oo baarriyada lagu aamino.
3. Wayna ka nabad gashay ceeb kasta iyo xumaanba/
Waxayna tahay mid dharkeeda iyo maryeheeduba daahair yihiin.
4. Hana u dhiibin "d aan ayada ahayn/
Kanina waa amar iyo xukun ka yimid Al Jabbaaru.
Maalinta Tobnaad: Xaliimah Al Sacdiyyah‫حليمة السعدية‬
Sagaalkii haween oo kale markay mid walba wiil qaadatay, galabna ay noqotay, ayay waxay u
keceen inay ambabaxaan, oo ay arligooda dib ugu laabtaan.
154
Markaasey waxay Xaliimo\‫ حليمة‬kahatay inay haweenkaas la noqotoayadoo aan wiil qaadan oo
fara maran.
Markaasey waxay u tagtay ninkeeda, oo la socday, waxayna tiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waan kahanayaa inaan saaxiibbaday la noqdo anigoo aanan wiil aan nuujiyo
wadan. Marka, waxaan u tegayaa oo aan soo qaadanayaa agoonkaas."
Wuxuu ninkeedu ugu jawaabay:
"Haddaad soo qaadato oo aad sidaas fashid, wax dhibaato ahi kaagama imaaneyso. Waxaaba
dhici karta inuu Ilaahay wiilkaas barako noo geliyo."
Sidaas ayay Xaliimah‫ حليمة‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo qaadatay, ayadoo
wiil kale wayday, aanna doonayn inay wiil la'aan saaxiibbadeed la noqoto.
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu yiri:
“Waxaa noo warramay Camr bin Caasim Al Kalaabii\‫ عمرو بن عاصم الكالبي‬oo ka wariyay
Hummaam bin Yaxyaa\‫ همام بن يحيى‬oo ka wariyay Isxaaq bin Cabdu Allaahi\‫ إسحاق بن عبد هللا‬inay
hooyada dhashay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam markay gabadha Sacdiyada \‫السعدية‬
ah si ay usoo nuujiso inay ku tiri:
"!‫"احفظي ابني‬
“Axfithii ibnii.”
Oo macnihiisu yahay:
“Wiilkeyga ii dhawr.”
Waxayna u sheegtay wixii ay aragtay.
Markaasaa Xaliimah\‫ حليمة‬waxaa soo maray rag yuhuud ah, markaasay waxay tiri:
“Bal iiga warrama wiilkaan, waxaan uurkiisa u qaaday sidaas iyo sidaas, waxaanna u dhalay
sidaas iyo sidaas, waxaanna arkay waxaas iyo waxaas, siday ugu sifeysay hooyadiis.”
Markaasay raggi waxay qaarkood qaarka ka le ku yiraahdeen:
“Dila wiilka.”
Waxay (Xaliimah\‫ )حليمة‬ku yiraahdeen:
“Wiilku ma agoon baa?”
Waxay tiri:
“Maya, oo kani waa aabihiis, aniguna hooyadiis ayaan ahay.”
Markaasay waxay yiraahdeen:
Hadduu agoon ahaan lahaan lahaa waa dili lahayn.”
Wuxuu yiri:
Markaasay Xaliimah\‫ حليمة‬la tagtay, waxayna tiri:
“Waxaan ku sigtay inaan ammaanadayda kharribo.”
Ibnu Sacad wuxuu yiri:
“Waxaa noo warramay Muxammad bin Cumar wuxuuna yiri:
“Dadka qaarkiis waxay wariyeen inay Xaliimah markay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam qaadatay oo la tagtay oo Makkah ay kala baxday xagga arligeedana ay la
aaday, ay Aaminah bintu Wahab tiri:
‫من شر ما مر على الجبال‬
‫ويفعل العرف إلى الموالي‬
‫أعيذه باهلل ذي الجالل‬
‫حتى أراه حامل الحالل‬
155
‫وغيرهم من حشوة الرجال‬
Uciithuhu bi Allaahi Thii Al Jalaali
Xattaa araahu xaamila al xilaali
Wa ghayruhum min xishwati al rijaali
min sharri maa marra calaa al jibaali
wa yafcalu al curfa ilaa al mawaalii
Ducadaas macneheedu waxaa weeye:
Waxaan Midka Wayn oo Boqorka ah ka magan geliyay\sharta waxa buuraha dushooda mara
Inuuna ilaaliyo ilaa aan ka arko isagoo xilalka madaxtinnimada xambaaray\dadka raacsanna u
sama falaya.
Iyo kuwa raacsan ghayrkoodba (u sama falaya) oo madaxda raga ka mid ah.”
Waa intaas macnaha tixahaas.
Xadiithka Xaliimah Al Sacdiyyah ee nuujinta\‫حديث حليمة السعدية‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay Xadiith uu Cabdu- Allaahi bin Jacfar bin Abii Dhaalib ‫عبد‬
‫ هللا بن جعفر بن أبي طالب‬ka wariyay Xaliimah Al Sacdiyyah\‫حليمة السعدية‬. Waxaa isla Xadiithkaas
wariyay ibnu Raahaweyh\‫ إبن راويه‬iyo Abuu Yaclaa\‫ أبو يعلى‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al
Bayhaqii‫ البيهقي‬iyo Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬.
Cabdu Allaahi ibnu Jacfar\‫ عبد هللا إبن جعفر‬wuxuu wariyay inay Xaliimah Al Sacdiyyah ‫حليمة‬
‫ السعدية‬tiri inay beledkeeda kasoo baxday ayadoo ninkeeda la socota, wadatana wid yar oo ayadu
dhashay, waana wiilkeeda Cabdu Allaahi bin Al Xaarith\‫عبد هللا بن الحارث‬, oo ay nuujineyso, lana
socota haween qabiilkeeda reer Banii Sacd bin Bakr\‫ بني سعد بن بكر‬ah, ayagoo raadinaya wiilal ay
nuujiyaan.
Xaliimah\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Sanadkuna wuxuu ahaa mid kulul oo abaar ah, oo dhulkii caddaaday oo wax cagaar ah uusan
lahayn, aanna waxba noo reebin.".
Waxay tiri:
"Markaasaan soo baxay anigoo saaran dameerad midabkeedu boor cagaarka u liica yahay,
wadannana hal aan leenahay oo da' wayn, oo wa Allaahi\‫ وهللا‬aan dhibic caano ah dhiiqayn,
habeenkiina ka seexan waynnay wiilkeenna aan wadannay, isagoo gaajo la booyaya,
naasahaygana ayan ku jirin wax cunto u noqda, hasheenana ayan godlanayn oo ayan lahayn wax
caano ah oo cunno u noqda.
Waxaanse rajeyneyney gargaar iyo faraj.
Markaasaan dameeraddaas soo fuulay, taasoo itaal darradeeda daraadeed gaabisay oo safarkii oo
idil hakisay, kuna khasabtay inuu socodka gaabiyo, taasoo intii kale dhib ku noqotay, una keenay
taagdarro iyo daciifnimo, ilaa aan Makkah\‫ مكة‬kasoo galnay, annagoo dooneyna wiilal aan
nuujinno.
Markaaseyan jirin haweeney naga mid ah ee waa illaa tan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, inay qaadato loo soo jeediyay, ayaduna ay diiday, kadiib marka loo sheegay
inuu agoon yahay.
Sababtuna waxaa weeye middaan: annagu waxaan ka rajayneynay samafal aabaha wiilka dhalay.
Markaasaan waxaan lahayn:
"Agoon! maxay hooyadiis noo samayn kartaa iyo awoowihiisba?"
Taas daraadeed ayaan ku kahannay. Markaaseyan jirin haweeney ka mid ah haweenka ila socday
ee waa illaa midda qaadatay wiil ay soo nuujiso, intaan aniga ahayn.
156
Markaasaa markaan goosannay inaan ambabaxno, oo aan arligeenna dib ugu laabanno, ayaan
waxaan saaxiibkay (waa ninkay u dhaxdee) ku iri:
"wa Allaahi waan kahanayaa inaan saaxiibbaday la noqdo anigoo aan wiil aan soo nuujiyo sidan.
Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan u tegayaa agoonkaas oo aan qaadanayaa."
Wuxuu yiri:
"Waxba korkaaga ma aha haddaad sidaas yeesho. Waxaaba dhici karta inuu Ilaahay wiilkaas noo
barakeeyo."
Waxay tiri:
"Markaasaan aaday oo aan soo qaatay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaana igu
xambaaray inaan qaato ma ayan ahayn waxaan ahayn inaan ghayrkiisa waayey."
Waxay tiri:
" Markaasaan markaan soo qaatay ayaan meeshaan degganayn ula soo noqday (waana meeshay
haweenka wada socday Makkah\‫ مكة‬maalintaas safarkooda ku furteen oo ay degeen).
Wiilku wuxuu ku duubnaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maro suuf ah oo cad, oo caanaha
ka cad, uuna kasoo fooxayo carafta miskiga, hoostiisana ay tahay maro xariir ah oo cagaaran,
isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga jeegadiisa u jiifa, dhuuntiisuna ay
dhaqdhaqaaqeyso, uuna kasoo baxayo cod uu maqlayo qofka hareerihiisa jooga.
Markaasaan uga turay inaan hurdada ka. kiciyo, quruxdiisa iyo quruxda wajigiisa markaan arkay.
Markaasaan si aayar ah xoogaa usoo dhowaaday, oo aan gacantayda laabtiisa saaray.
Markaasuu ilko caddeeyey oo uu qoslay, oo uu labadiisa indhood kala qaaday si uu ii fiiriyo.
Markaasaa waxaa labadiisa indhood kasoo baxay nuur is haystay ilaa uu Samada ka galo,
iftiinkiisa xooggiisa, anigoo u jeeda.
Markaasaan labada indhood dhexdooda ka dhunkaday.
Markaasaan dhabtayda ku qabtay oo aan naaskayga midig u dhigay. Markaasuu naaskii
godladay, oo ay caano kasoo buuxsameen.
Markaasuu ka cabbay ilaa uu ka dhergo.
Markaasaan naaska bidixeed u duway, isaguna uu diiday inuu nuugo.
Sidaas ayayna xaaladdiisu maalintaas dabadeed ahayd, oo uu naaska midigta ah keli ah ka cabbi
jiray, kan bidixeedna uu diidayey."
Culummadu waxay diididdiisaas naaska bidix ku fasireen inuu Ilaahay Tacaalaa \‫ هللا تعالى‬ku
ilhaamiyey Nabigiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, in caanaha, iyo naasaha
Xaliimah\‫ حليمة‬lala wadaago, oo uu la wadaago, wiilkeeda Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, oo uu sidaas
cadaaaladda ku ilhaamiyey.
Tan kalena, wax walba, midigta inuu ka bilaabo, ayuu jeclaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
"Markaasuu walaalkiisna cabbay, ilaa uu isaguna ka dhergo.
Markaasuu saaxiibkay kacay oo uu hasheenna aaday, wuxuuna arkay inay godlatay oo ay
naasaheeda caano kasoo buuxsameen. Markaasuu soo maalay, oo uu isaguna caanaheeda ka
cabbay, aniguna aan ka cabbay, ilaa aan ka dheregno.
Sidaas ayaan habeen khayr leh ugu hoyannay."
Waxay tiri:
"Markaan waabariisannay, ayuu saaxiibkay wuxuu i yiri: "Xaliimoy\‫يا حليمة‬, ogow, wa Allaahi
\‫ وهللا‬waxaad soo qaadatay naf barakaysan.. Soo uma jeedid waxaan ku hoyannay xalay oo
barako iyo khayr, kaddib markaan soo qaadannay? Tan iyo markaasna Ilaahay wuxuu noo sii
kordhiyay khayr."
157
Waxay tiri: "Waxaan iri:
"wa Allaahi\‫ وهللا‬anigu sidaas inay tahay ayaan rajaynayaa."
Riwaayad kale oo uu Dhughrubaak\‫ طغرباك‬kitaabkiisa Al Nadhqu al Mafhuumu\‫ النقل المفهوم‬ku
wariyayna, Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Markuu saaxiibkay arrinkaas arkayna wuxuu yiri:
"Aamus oo amarkaagaan qari, maxaa yeelay laga bilaabo habeenkuu wiilkaani dhashay axbaartu
(waana culummada yuhuudda) waxay waabariisatay ayagoo cagohooda ku taagan (aan seexan),
ayadoo ayan cunnana u dhadhamayn maalintaii, habeenkiina ayan hurdo ku raaxeysanayn."
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Markaan Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo qaatay oo bartaan Makkah \‫ مكة‬ka
degganayn la imid (Makkana\‫ مكة‬ay joogeen saddex habeen siduu Shawaahidu Al Nubuwwati
‫ شواهد النبوة‬u xusay) ayay haweenkii qaarkood qaarka kale nabadgelyeeyeen, oo ay socdaalka
isugu salaameen. Aniguna waxaan nabadgelyeeyey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hooyadiis. Kaddibna waxaan fuulay dameeraddeyda, Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, labadayda gacnood hortooda ayaan ku qabtay."
Waxay tiri:
"Markaasaan dameeradda dhugtay, waxaanna arkay inay Kacbada xaggeeda saddex goor u
sujuudday (oo ay madaxa foorarisay, ama ayba madax dhulka dhigtay), kaddibna ay madexeeda
xagga Samada kor ugu qaaday, shukrin ay Ilaahay kumahdineyso inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, dhabarkeeda ku qaaday. Kaddibna dameeraddu way dhaqaaqday oo,
socotay ilaa ay daabadihii dadkii kale oo ila socday ay ka wada dheereysey, oo ayba gaari
waayeen.
Markaasuu dadku iga cajabay, oo ay haweenkii, oo, iga dambeeya oo xagga gadasheyda ku
sugan, ay yiraahdeen:
"Abuu Thuayb\‫ أبو ذؤيب‬gabadhiisey, dameeraddaanu ma isla middaad saarnaydbaa markaad
nasoo raacday oo aad nala socotaybaa markaan dhankaan usoo soconnay oo taagta darnayd?"
Aniguna waxaan ku lahaa:
"Ta Allaahi\‫ تاهلل‬wa isla ayadii".
Markaasey dameeradda ka yaabeen, waxayna yiraahdeen:
"Hadaba amarkeedu wuu weynyahay".
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Markaasaan waxaan maqlay dameeraddeyda oo hadleysa oo leh:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬arrinkeygu wuu weyn yahay, arrinkeygu wuu weyn yahay. Arrinkeygu waxaa
weeye inuu Ilaahay taag darro kaddib, oo geerida la mid ah, uu isoo nooleeyey oo isoo saaray, oo
uu xoog iyo dheereyn i siiyey, caatannimo kaddibna wuxuu ii soo celiyey baruurteydii. War hoy,
haweenka reer Banii Sacadow‫بني سعد‬, waxaad ku sugan tihiin war moogid, oo miyaad ogsoon
tihiin midka dhabarkeyga saaran? Waa kan Anbiyada ugu khayr badan, ahna hoggaamiyaha
Mursaliinta la soo diray, waana midka ugu khayrd badan kuwii hore iyo kuwa dambeba, waana
Xabiibka uu Rabbiga Caalamiinta uu jecelyahay."
Hadlidda dameeradda iyo sujuudeedaba ay hadalka hortiis sujuudday, waa calaamado Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waana karaamayn uu Ilaahay Tacaalaa Xaliimo \‫ حليمة‬ku,
karaameeyey.
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
158
"Kaddibna waxaan soo galnay degmada iyo beesha reer Banii Sacd \‫بني سعد‬, oo aanan ogayn arli
arlada Ilaahay oo ka abaar badan, oo ka qallalan. Markaasuu arigeygu, kaddib marka subixii la
foofiyo, wuxuu galabtii ii soo noqdaa, waana kaddib markaan Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
la nimid, isagoo dheregsan oo godlan, oo cano badan.
Markaasaan lisannaa oo aan caanaha cabnaa, ayadoo dadka kalena ayan arigooda caano ka lisan,
naasohoodana tifiq caano ah lahayn.
Markaasey dadkeenna degmada deggani waxay ari jirkooda ku yiraahdaan:
"Ariga soo daajiya meesha ay daaqaan ariga ina Abii Thu'ayb\‫"أبي ذؤيب‬.
Markaasey ari jirkoodu sidaas yeelaan. Markaasey aryohoodu galabtii soo laabtaan ayagoo
gaajoon oo aan dhibic caano ah dhiiqayn, ayadoo uu arigeennuna soo laabto isagoo dheregsan,
oo caano miiran ah, inkastoo ay isku daqsiin soo daaqeen.
Sidaas ayaan Ilaahay uga barannay kororsiimo iyo khayr ilaa ay labo sano ka gudubto, oo aan
markaas naaska ka gooyey."
Sidaas ayuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬arigaas u godliyay oo uu caano uga siiyay, una
barakeeyey, oo uu ariga Xaliimo\‫ حليمة‬u batay, oo uu u koray, taasina, ay ayada qadarkeeda ay
bulshadeeda dhexdiisa ku leedahay kor u qaadday oo ay u sare martay.
Sidaas ayay Xaliimo\‫ حليمة‬u aqoonsanayd khayrkaas u badanaya iyo liibaanta ah nolol fiican,
ayna, ku guuleysaneysey waxa suuban, ayna kororsiimo, u heleysey.
Sidaas ayuu midi labadaan tixood u yiri:
‫مقاما على في ذروة العز والمجد‬
‫وقد عم هذا السعد كل بني سعد‬
‫لقد بلغت بالهاشمي حليمة‬
‫وزادت مواشيها وأخصب ربعها‬
1. La qad balaghat bi Al Haashimiyyi Xaliimatu
Maqaaman culaa fii tharwati al cizzi wa al majdi.
2. Wa zaadat mawaashiihaa wa akhsaba rabcuhaa
Wa qad camma haathaa al sacdu kulla Banii Sacdi.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Xaliimo waxay midka reer Bani Haashim ah ku gaartay
Makaan sarreeya oo ah fiidda cizziga iyo waynaantaba.
2. Xooleheediina way tarmeen beesheeduna way barwaaqowday
Taasoo reer Banii Sacd oo idil saameysey.
Reer Banii Sacd\‫ بني سعد‬oo idil ayay saameysey macneheedu waxaa weeye inay Xaliimo\‫حليمة‬
tiri:
"Markaan gurigeyga lasoo galay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan harin guri ka mid
ab guryaha reer Banii Sacd\‫ بني سعد‬ee waa illaa kaan ka helno oo aan ka carafsanno carafta
miskiga.
Dadka qu1uubtoodana waxaa la geliyay jeceylkiisa, ilaa heer uu markuu midkood xagga jirka
wax uga dhacaan oo uu ka bukoodo, intuu qabto gacantiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayuu wuxuu saaraa meesha xanuuneysa, markaasuu ithanka Ilaahay durbadiiba u bogsoodaa.
Sidoo kale, hadduu rati ka bukoodo, ama riba."
Markii haween iyo caruur reer Bani Sacd‫ بني سعد‬u dhashay lagu soo qafaalay Duullaanka
Hawaazin\‫ غزوة هوازن‬oo ka dambeeyey furashada Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, sanadka
159
sideedaad ee Hijriga, ayay ragga reer Banii Sacd bin Bakr \‫بني سعد بن بكر‬waxay u yimaadeen
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxyna yiraahdeen:
"Annagu waxaan kuu nahay ehel iyo cashiiro".
Markaasuu ninkii u hadlayey intuu sare istaagay ayuu wuxuu, yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haweenka xeryaha ku jira oo qafaalka
ka mid ahi waa habaryarahaa iyo eedooyinkaa iyo kuwii kusoo koriyay oo ku kafaalo qaaday,
adiguna waxaad tahay kan ugu khayr badan oo la kafaalo qaado".
Kaddibna wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, deeqsinnimadaada nagu manneyso."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
".‫"ما كان لي ولبني عبد المطلب فهو لكم‬
"Maa kaana lii wa li Banii Cabdu Al Mudh-dhalib fa huwa lakum",
oo macneheedu yahay:
"Intaan ka leenahay aniga iyo reer Bani Cabdu Al Mudhalib\‫بني عبد المطلب‬, adinkaan idin
siiyay."
Markaasey raggii Qurayshna\‫ قريش‬waxay yiraahdeen:
"intaan annagu leenahayna waxaan siinnay Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam."
Markaasey Ansaartiina waxay yiraahdeen:
"intaan annagu leenahayna waxaan siinnay Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam."
Sidaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, reer Banii Sacd \‫بني سعد‬
qafaalkooda ugu soo celiyay, waxayna ahaayeen, siduu Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬u wariyay:
"lix kun oo haween iyo caruurah, wuxuuna ugu daray xoolo iyo dad badan, uuna Abuu Al
Xusayn bin Faaris\‫ أبو حسين بن فارس‬ka yiri:
"Qiimaha inta uu u siidaayey, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo uu siiyey waxay maalintaas
ahayd shan boqol oo kun oo kun Dirham".
Waa intaas hadalka Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬ee Al Bidaayah wa al Nihaayah\‫البداية والنهاية‬.
Qisadaan oo idilna waxaan ku arki doonnaa, inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, markaan ka
warrameynno Duullaanka Xunayn\‫ حنين‬ama Hawaazin\‫هوازن‬, oo labadaas magacba wuu
leeyahaye.
Ibnu Al Dharraax\‫ إبن الطراح‬wuxuu yiri:
"waxaan ku arkay kitaabka Al Tarqiisi\‫ الترقيس‬ee Abii Cabdu Allaahi bin Al Mucallaa Al Azdii Al
Basriyyi\‫أبي عبد هللا بن المعال األزدي البصري‬, siday ayaguna u wada wariyeen Mughladhay\‫مغالطاي‬, Al
Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ الحافظ إبن حجر العسقالني‬oo kitaabkiisa Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku
wariyay, iyo Abuu Muthaffir Al Muqrii'i\‫ أبو مظفر المقرئ‬oo Arbaciinkiisa ku wariyay, inuu
heeskay Xaliimo\‫ حليمة‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku raqsisiin jirtay oo ay ku
heesi jirtay markay cayaarsiineyso uu ka mid ahaa:
‫وأعله إلى العلى وأرقه‬
1. Yaa Rabbi ith acdhaytahu fa abqihi
‫يا رب إذ أعطيته فأبقه‬
‫وأحدد أباطل العدا بحقه‬
160
Wa aclih ilaa al aclaa wa arqih.
2. Wa axdid abaadhila al cadaa bi xaqqih.
Labadaas tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Rabbiyow haddaad na siisay noo daa
Sarada korena u qaad, sii kormarsiina.
2. Xaqqiisana ku dullee xumaanta kuwa xadgudbay.
Walaashiis xagga nuugmadana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Shaymaa'u bintu Al
Xaarith bin Cabdu Al Cuzzaa Al Sacdiyyah ‫الشيماء بنت الحارث بن عبد العزى السعدية – جدامة أو حذافة أو‬
\‫ختامة‬, magaceeduna yahay Judaamatu ama Xuthaafatu, ama Khithaamatu, oo ayaduna wax
kasoo korisay, oo sidaas daraadeed looguba yeero Hooyada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, markay raqsisiinayso oo ay cayaarsiineyso, waxay ugu heesi jirtay oo ay oran jirtay:
‫وليس من نسل أبي وعمي‬
‫فانمه أللهم فيما تنمي‬
‫حتى أراه يافعا وأمردا‬
‫وأكبت أعاديه معا والحسد‬
‫هذا أخ لم تلده أمي‬
‫فديته من مخول معما‬
‫يا ربنا أبق أخي محمدا‬
‫ثم أراه سيدا مسودا‬
‫واعطه عزا يدوم أبدا‬
1. Haathaa akhun lam talidhu ummii
Wa laysa min nasli abii wa cammii.
2. Fidyatuhu min makhuulin mucammaa
Fa anmih Allaahumma fiimaa tanmii.
3. Yaa Rabbanaa abqi akhii Muxammadan
Xattaa araahu yaafican wa amradaa.
4. Thumma araahu sayyidan masuudan
Wa akbit acaadiihi macan wa al xasadaa.
5.Wa acdhihi cizzan yaduumu abadaa.
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
1. Kani waa walaalkay ayan hooyaday dhalin
Aanna ka mid ahayn dhasha aabahay iyo adeerkey.
2. Furashadiisuna waxay ka timid abtiyo iyo adeerro kariimiin ah
Ee Ilaahayow kori oo xoog sii oo kor u yeel.
3. Rabbigeenow, walaalkay Muxammad midka harah ka dhig ilaa aan ka arko isagoo koray oo
sarreeya.
4. Kaddibna aan arko isagoo sayyid iyo hogaamiye ah oo loo boggaansamay Dulleena oo ka celi
cadawgiisa iyo xaasidiinta u quuri waayey.
5. Waxaadna siisaa cizzi oo ah inaan laga adkaan oo ebedkiis waara.
Al Azdii wuxuu yiri: "Fiicnaan badanaa siduu Ilaahay ducadeeda u aqbalay, ayadoo walaalkeed,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku aragtay intay Ilaahay uga baraday oo idil."
Sababta wiilasha Quraysh\‫ قريش‬miyiga loogu nuujin jiray
Sabata ay madaxda Quraysheed\‫ قريش‬wiilashooda u dhasha haween nuujiya ugu dhiibi jireen
waxay ahayd, ayuu Al Suhaylii yiri:
(Kow) Inay haweentu ninkeeda ugu firaaqowdo, si la mid ah siduu Cammaar bin Yaasir ‫عمار بن‬
\‫ ياسر‬uu Ummu Al Mu'miniina Ummu Salamah\‫أم المؤمنين أم سلمة‬, Calyhassalaamu, haweenta
161
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu walaalkeed xagga nuugmada. ahaa,
ugu yiri:
"Daa oo ka reeb gabadhaan la foosha xumeeyo oo la fogeeyo oo aad Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhibtay".
Waana gabar ay ayadoo leh uu Nabigau Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursaday, oo sidaas
rabiibadiisa ku ahayd oo gurigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, joogtay.
(Labo) Inuu wiilku ku koro miyiga, oo uu sidaas afkiisa Carbeed uu fasiix u noqdo, jirkiisuna uu
u adkaado, ayadoo ay nolosha miyigu dhib badantahay, raaxana yartahay, uusanna bay'adda
Macadd‫ معد‬uga leexan (oo ah kuwo adadag), siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
markuu Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬ku yiri:
"Rasuulka llaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma aanan arag qof kaa faseexsan" uu
ugu yiri:
"!‫ وأرضعت في بني سعد‬،‫"وما يمنعني وأنا من قريش‬
"Wa maa yamnacunii waa anaa min Qurayshin, wa urdictu fii Banii Sacdin",
oo macneheedu yahay:
"Oo maxaa ii diidaya inaan sidaas ahaado, anigoo Quraysh u dhashay, ayna i nuujiyeen reer
Banii Sacd\‫"?بني سعد‬
Iyo siduu Cumar\‫عمر‬, Allaha raalli ka noqdee, u yiri:
."‫"تمعدوا وتمززوا واخشوشنوا‬
"Tamacdaduu wa tamazazuu wa akhshawshinuu",
siduu ibnu Abii Xadrad\‫ أبي حدرد‬iyo ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬iyo ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬u
wariyeen, macneheeduna yahay:
"Noqda sida Macadd\‫( معد‬oo ah awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) oo kale, oo adadkaada, oo jirkiinna iyo hilbihiinna
adkeeya, khashinna noqda adkeysi badan."
Hadliddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxay Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬ay ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha
labadoodaba raalli ka. noqdee, ka wariyeen inuu yiri:
"Xaliimo\‫ حليمة‬waxay ku warrami jirtay inay markay naaska ka goysay uu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadlay, unna yiri:
".‫"أهلل ألكبر كبيرا والحمد هلل كثيرا وسبحان هللا بكرة وأصيال‬
"Allaahu Akbaru Kabiiran wa al xamdu li Allaahi kathiiran wa subxaanaha Allaahi
bukratan wa asillan",
siduu ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬u wariyay, oo macnohoodu yahay:
162
"Ilaahay ayaa mid waynba ka wayn oo ugu wayn, waxaanna leeyahay al xamdu li Allaahi ‫الحمد‬
‫هلل‬: oo mahadi Ilaahay ayay u sugnaatay in badan, iyo subxaana Allaahi \‫سبحان هللا‬: oo Ilaahay
xumaan, iyo ceeb iyo naaqusnimo iyo baahi waa ka hufan yahay oo ka nazahan yahay oo ma
laha, waabarigii ayaan sidaas leeyahay iyo habeenkiiba."
Sidoo kale, markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay oo uu caloosha hooyadiis kasoo,
baxay wuu hadlay wuxuuna yiri:
".‫"أهلل ألكبر كبيرا والحمد هلل كثيرا وسبحان هللا بكرة وأصيال‬
"Allaahu Akbaru Kabiiran wa al xamdu li Allaahi kathiiran wa subxaanaha Allaahi
bukratan wa asiilan".
Wuxuu kaloo, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri:
".‫ وإني رسول هللا‬،‫"الإله إال هللا‬
"Laa ilaaha ilaa Allaahu, wa innii Rasuulu Allaahi",
siduu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬uga wariyay kitaabka Shawaahidu Al Nubuwwati\‫شواهد النبوة‬, oo yiri
inuu markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam soo dhacay uu madaxiisa kor u qaaday oo uu af
faseex ah sidaas ku yiri, oo macnihiisu yahay:
"Ma jiro ilaah aan Ilaahay ahayn, aniguna waxaan ahay Rasuulka Ilaahay".
Wuxuu kaloo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"جل ربي الرفيع‬
"Jalaalu Rabbii Al Rafiicu",
oo macnihiisu yahay:
"Rabbigay waa Jaliilka Sarreeya."
Markaasuu markuu yeeshay xoog, Sallallaahu Calayhi Wasallam, uu guriga uga baxo, wuu bixi
jiray. Markaasuu wuxuu fiiriyaa caruurta cayaareysa. Markaasuu walaalkiis caruurta, la
cayaaraa, uu isaguna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhinac uga istaagaa, oo uu cayaarta ka
fogaadaa, isagoo intuu walaalkiis gacanta qabto ayuu wuxuu ku yiraahdaa:
".‫"إنا لم نخلق لهذا‬
"Innaa lam nukhlaq li haathaa",
oo macnihiisu yahay:
"Annaga cayaarta nalooma abuurin."
Daruurta hoosaasinavsa
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬iyo abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬iyo ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬waxay ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬ka wariyeen inuu yiri:
163
"Xaliimo\‫ حليمة‬uma ayan oggolaan jirin, inta badan, inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meel
fog aado, cabsi ay u qabto daraadeed.
Markaasey maalin ka mashquushay, markaasuu wuxuu raacay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, walaashiis Al Shaymaa'a\‫الشيماء‬, markay duhurkii tahay oo ay qorraxdu markaas
beerka Samada ka iilatay, ahna waqtiga maalinta ugu kulayl badan, waxayna la aaday xagga
xoolaha. Markay ku baraarugtay maqnaashihiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayay ka
daba baxday, waxayna heshay isagoo walaashiis la jooga.
Markaasey waxay Xaliimo\‫ حليمة‬gabadha ku tiri:
"Maxaad kulaylkaan usoo wadatay?"
Markaasey walaashiis waxay tiri:
"Hooyoy, walaalkey qorraxi kuma ayan dhicin, oo waxaan arkay daruur hoosaasineysa, oo
markuu istaago ay ayaduna istaageyso, hadduu socdana la soconeysa, ilaa uu meeshaan kasoo
gaaray."
Labada sanoo hore
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u koray si dhakhso leh, oo ayan
caruurtu u korin, siduu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu Kitaabka Shawaahidu Al Nubuwwati\‫ شواهد النبوة‬kasoo wariyay,
siday Taariikhu Al Khamiis\‫ تاريخ الخميس‬iyo kuwa kaleba u wariyeen:
"inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu labo bilood jirsaday uu
caruurta ula gurguuranayey dhinac walba.
Markuu saddex bilood jirsadayna labadiisa cagood ayuu ku istaagay.
Markuu afar bilood gaaray, intuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, darbiga qabsado ayuu
soconayey.
Markuu shan bilood jirsaday wuu socod dheereynayey.
Markuu toddobada bilood jirsadayna wuu ordayey, uuna u ordayey dhankuu doono.
Markay sideed bilood u dhammatayna wuu hadlayey, kuna hadlayey hadal cad oo faseex ah.
Markuu toban bilood garay, fallaaraha ayuu ganayey, isagoo caruurta kale la ganaya.
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Markuu labo sano gaaray wuxuu noqday ghulaaman jafar\‫ جفر‬ah, wiil xoog leh oo koray, oo
jafar waxaa la yiraahdaa orgiga afar bilood jirsaday, siduu Mukhtaaru Al Sixaaxi\‫ مختار الصحاح‬u
shegay.
U celinta hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri, waxaana noo socda Xadiithka Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ee nuujinta:
"Markuu labo sano gaaray oo aan guriyay oo naaska ka gooyey, ayaan hooyadiis usoo celiyey
(siday ahayd caadada hooyooyinka wiilasha soo nuujiya), annagoo (waana Xaliimo\‫ حليمة‬iyo
ninkeeda) aad ugu dadaaleyna inuu nala sii jooga, sababtuna ay tahay barakadiisa aan aragnay.
Markaasaan, markaan u keennay, aan hooyadiis la hadalnay, waxaanna niri:
"Wiilku agteenna ha sii joogee daa, ilaa uu ka xoogeysto, maxaa yeelay waxaan uga baqaynnaa
cudurrada Makkah\‫"مكة‬.
164
Hadalkaas ayaan ku celcelinnay, aan ku beer dulucsaneynno, ilaa ay ka oggolaatay inaan dib ula
noqonno. Markaasaan gurigeenna kula soo noqonnay."
Sanadka saddexaad
Kitaabka Taariikhu Al Khamiis\‫ تاريخ الخميس‬wuxuu wariyay, oo uu yiri:
"Markay ahayd sanadka saddexaad ee dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo
wareegatay, oo ay saddexda sano u buuxsantay, ayay Xaliimo\‫ حليمة‬tiri:
"Ayuu wuxuu igu yiri maalin maalmaha ka mid ah:
"‫ ما لي ال أرى أخوي بالنهار؟‬،‫"يا أماه‬
"Yaa ummah, maa lii laa araa akhawayya bi al nnahaari?'
oo macnihiisu yahay:
"Hooyoy, maxaa u sabab ah inaan intay maalinta tahay aanan labadayda walaal u arag?"
Waxay tiri:
"Wiilkeygow, labadoodaan waxay la jiraan ariga yar oo aan leenahay, kulana jiraan meel hebla. "
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"فما لي ال أخرج معهما؟‬
"Fa maa lii laa akhruju macahumaa? " oo ah:
"Maxaana u sabab ah oo aan aniguna u raaci waayey?"
Waxaan iri:
"Sidaas miyaad jeceshahay?"
Wuxuu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
".‫"نعم‬
"Nacam" oo ah ”haa”.
Markaasaan markuu waabariistay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u subkay, una indha
kuulay, luquntana aan ugu xiray dun ay aleel (ama kuul) Yaman \‫ يمن‬laga keenay ay ku
taxantahay (oo ay xirsi xir uga dhigayso).
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dunta ay aleeshu ku jirto iska siibay, uuna yiri:
".‫ فإن معي من يحفظني‬،‫"مهال يا أمه‬
"Mahlan yaa ummah, fa inna macii man yaxfathunii",
oo macneheedu yahay: "U kaadi hooyoy, oo aniga waxaa ila jira Mid i ilaalinaya".
Waxay tiri:
"Markaasaan waxaan u yeeray labadeyda wiil, waxaanna ku iri:
"Muxammad\‫ محمد‬ayaan idinkala dardaarmayaa inaad u samo fashaan. Marna ha ka tegina, oo
mar walba indhihiinna hortooda ha ku sugnaado. "
Sanadkaan dhexdiisa waxaa dhashay Abuu Bakar Al Siddiiqu.
Sanadka afaraad
165
Markay afar sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa
laabtiisa la dillaaciyay, khaatimkana la saaray.
Marka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laabtiisa la dhanbalay isagoo arliga
Xaliimo\‫ حليمة‬jooga, kaddibna khaatimka Nabinnimada lagu dhejiyay bartuu ku yaallo, ayay
Xaliimo\‫ حليمة‬u baqday, waxayna tiri:
"Markaan khaymadeheenna keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu dadku wuxuu yiri:
"Kaahin, waa faaliyee, u geeya, si uu u arko waxa ku dhacay, uuna u daaweeyo."
Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ وفؤادي صحيحا بحمد هللا‬،‫ وإني أرى نفسي سليمة‬،‫"ما بي شيء مما تذكرون‬
"Maa bii shay'un mimmaa tathkuruuna, wa inni araa nafsii saliimatan, wa fu'aadii
saxiixan bi xamdi Allaah",
oo macneheedu yahay:
"Ima ay hayaan waxaad sheegeysaan, waxaanna u arkaa inaan fiyoobahay, qalbigayguna uu
caafimaad qabo, xamdigana Ilaahay ayaa iska leh."
Dadku wuxuu yiri:
"Waxaa galay jinni ama jinniga habeenkii meereystah".
Waxay tiri:
"Markaasey taladeyda iiga adkaadeen, oo inaan faaliyaha u geeyo anigoo aanan taas dooneyn.
Markaasaan faaliyaha u keenay oo aan wixii dhacay awwalkeeda ilaa aakhirkeeda uga wada
warramay, oo aan u sheegay.
Faaliyuhu wuxuu yiri:
"i daa aan wiilka ka maq1ee wixii dhacay, maxaa yeelay isagaa adinka amarkiisa idiinka xoog
ogaalsan. Wiilow hadal."
Waxay tiri:
"Markaasuu wiilkeyga Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga warbixiyey
qisadiisa min bilowgeeda ilaa dhammaadkeeda. Markaasuu faaliyuhu kor u booday oo uu
labadiisa cagood ku istaagay oo uu wiilka laabtiisa kusoo dhejiyay, waa Nabigee, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kaddibna uu codkiisa ugu dheer ku dhawaaqay oo uu yiri:
"Carabay, Carabay! Shar idiin soo dhowaatay daraadeed wiilkaan u dila, anigana isaga ila dila,
oo haddaad daysaan, oo aydnaan dilin, uuna da'da ragannimada gaaro, wuxuu caayayaa oo uu
liidayaa yididiilladiinna, diinihiinnana wuu beddelayaa, wuxuuna idiinku yeeri doonaa inaad
caabudaan Rabbi aydnaan aqoon iyo diin aad kahan doontaan."
Waxay tiri:
"Markaan hadalkiisaas maqlay ayaan gacantiisa kala soo baxay -waa Nabigee, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam-, waxaanna iri:
"Adigaa wiilkeyga ka sawirsan oo ka waalan. Haddaan ogaan lahaa inaad sidaan falaysana,
kuumaba aanan keeneen, ee naftaada u raadi wax dila maxaa yeelay annagu Muxammad ‫محمد‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dili maynno."
Markaasaan soo qaatay, oo aan gurigayga keenay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam.
166
Maalintaas ma uusan ahaanin guri ka mid ah guryaha reer Banii Sacd \‫ بني سعد‬ee waa kan illaa
laga helay carafta miskiga.
Waxaa maalin walbana u imaan jiray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laba shimbirood oo cad.
Markaasey dharkiisa uu labbisan yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoos galaan, oo ay
sidaas ku libraan oo ayan mar dambe kasoo hoos bixin."
Riwaayada ibnu Sacd‫ إبن سعد‬ee celintiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Ibnu Sacd‫ إبن سعد‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xaliimo\‫ حليمة‬agteeda ku sugnaa
labo sano. Markaasey markay naaska ka goysay, ayay waxay u keeneen hooyadiis, ayagoo
booqasho ugu yimid, oo soo tusaya.
Markaasey Xaliimo\‫ حليمة‬hooyadiis warkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga warrantay
iyo barakooyinka ay ka arkeen.
Markaasey Aaminah\‫ آمنة‬waxay ku tiri:
"!‫ فوهللا ليكونن له شأن‬،‫"ارجعي بابني فإني أخاف عليه وباء مكة‬
“Irjicii fh ibnii fa inni akhaafu calayhi abaa’a Makkah, fa wa Allaahi la yakuunanna lahu
sha’nun!”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"La noqo wiilkeyga, maxaa yeelay waxaan uga baqayaa cudurrada Makkah. Wa Allaaahi \‫وهللا‬
wiilkeyga waxaa u sugnaan doonta oo uu yeelan doonaa mustaqbal wayn."
Markaasey Xaliimo\‫ حليمة‬lasoo noqotay markii labaad.
Markaasuu wuxuu agteeda ku sugnaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labo sano oo kale, oo ka
dambeysa marka la guriyay.
Markaasuu markuu afar jir noqday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa waxaa u yimid labo
Malag oo calooshiisa dillaaciyey -wuxuuna ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬xusay qisada dhanbalidda oo idil
awwalkeeda ilaa aakhirkeeda, sidaan usoo aragnay.
Xaliimah‫ حليمة‬markii saddexaad ayay arligeeda ula noqotay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam
Markaasey Xaliimo\‫ حليمة‬waxay u keentay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis
Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, ayna wixii dhacay uga warrantay, ay kaddibna markii
saddexaad la noqotay, uuna agteeda ku sugnaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sanad kale
ama wax la mid ah, oo ayan marna u oggolaanayn inuu meel fog aado, ayadoo la socota mooyee.
167
Xaliimah\‫ حليمة‬waxay aragtay daruurta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam hoosaasinay
Markaasey waxay aragtay daruur hoosaasineysa, oo markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
istaago ay ayaduna istaageyso, markuu socdana ay la soconeyso. Arrinkiisaasna Xaliimo\‫حليمة‬
way ka naxday, oo ay ka baqday.
Markaasey hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo celisay, isagoo shan sano jirsaday,
siduu wariyay Al Safwatu\‫الصفوة‬."
Sanadka shanaad
Taariikhu Al Khamiis\‫ تاريخ الخميس‬wuxuu wariyay oo yiri:
"Dhacdooyinka sanadka. shanaad ee dhalashadiisa, Sallaa AllaahuCalayhi Wasallam, kasoo
wareegatay waxaa ka mid ah inuu Makkah\‫ مكة‬yimid kaahin, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, shan jir yahay, ayna hooyada nuujinaysay, waa Xaflimee \‫حليمة‬, ay
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬u keentay, ayadoo sanadkiiba mar Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬u keeni jirtay.
Markaasuu faaliyuhu wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, wiilkaan dila, maxaa, yeelay wuu idin kala geyn doonaa, oo uu idin
kala qaybin doonaa, wuuna idin layn doonaa."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
cararay.
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Waallam, la
Taas ayaana u sabab ahayd inay Qurayshi\‫ قريش‬amarkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka
baqi jirtay siduu faaliyuhu uga digay.
Dhanbalidda laabtiisa, Sallallaahu Calayhi Wasallam
Ayadoo uu wali noo socdo Xadiithka ibnu Isxaaq\‫إبن إسحلق‬, Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬labo ama saddex bilood kaddib markaan la soo noqonnay, isagoo la jira
walaalkiisa xagga nuugmada, ayna ari aan leenahay kula jiraan guryeheenna dhabarkooda, ayaa
waxaa noo yimid walaalkiis oo ordaya, wuxuuna aniga iyo aabihiis nagu yiri:
"Walaalkeyga Qurayshta ah waxaa u yimid labo nin oo dhar cad xiran -waana labo Malag oo rag
isu soo ekeysiiyay-, markaasey dhulka jiifiyeen, kaddibna ay calooshiisa dillaaciyeen -kaddib
markay la fuuleen buurta dhaladeeda-."
Markaasaan soo baxnay aniga iyo aabihiis xagga nuugmada (oo ah ayadu ninkay u dhaxdo) oo
aan xaggiisa usoo orodnay, waxaanna u nimid isagoo taagan oo midabkiisu is beddelay (Xaliimo
\‫ حليمة‬erayga ku isticmaashay si ay is beddelkaas midabkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
u tilmaanto wuxuu ahaa Muntaqacan\‫منتقعن‬, oo ka yimid erayga al naqcu\‫النقع‬, al naqcuna waxaa
la yiraahdaa boorka, wuxuuna u egyabay midabkuu yeesho qofku -waana qofka cad ama dhiig
furan- markuu dhinto oo uu mayd noqdo, taasoo tusaaleyneysa mashaqqada iyo dhibka. uu la
kulmay, oo uu sidaas ku yeeshay midabka. maydka).
Markaasuu aabihiis intuu laabta kusoo dhejiyay qoorta qoorta u suray, kuna yiri: "Wiilkeygow,
sidee baad tahay?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
168
‫ ثم رداه كما‬.‫ ثم استخرجا منه شيئا فطرحاه‬.‫ فاضجعاني وشقا بطني‬،‫"جائني رجالن عليهما ثياب بيض‬
".‫كان‬
"jaa'anii rajulaani calayhimaa thiyaabun biidun, fa adjacaanii wa shaqaa badhnii.
Thumma istakhrajaa minhu shay'an fa dharaxaahu. Thumma raddaahu kamaa kaana."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa ii yimid labo nin oo dhar cad labbisan. Markaasey i jiifiyeen, kaddibna ay caloosheyda
dillaaciyeen, waxayna kasoo bixiyeen shay ay hadana tuureen. Kaddibna caloosheyda. ayay
siday ahayd u celiyeen."
(Labada nin oo u yimid waa Jibriil\‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil\‫ميكائيل‬, waxay kasoo bixiyeenna oo ay
tuureen wuxuu ahaa cad madow).
Markaasaan soo kaxeynnay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan gurigeenna kula soo
noqonnay. Markaasuu aabihiis wuxuu yiri:
"Xaliimoy\‫يا حليمة‬, waxaan ka baqayaa. inuu wiilkeygaan jinni taabtay. Marka na keen aan
ehelkiisa u celinnee, ka hor intayan soo if bixin oo aan la arkin waxaan uga baqaynno."
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"markaasaan soo dhaqaaqnay oo aan xagga Makkah \‫ مكة‬lasoo aadnay,oo aan hooyadiis u
keennay, kaddib markaan uga lunnay albaabka Makkah\‫مكة‬.
Sababtuna waxay ahayd inaan daabada uga degay inaan xaajadeyda soo guto.
Markaasaan Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬u sheegnay, inaan Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam ka lunnay.
Xaliimo\‫ حليمة‬oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka luntay
Xaliimo\‫ حليمة‬waxay tiri:
"Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬Kacbada toddoba goor ku dhawaafay, uuna
Ilaahay ka baryay inuu wiilkiisa usoo celiyo."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu maqlay mid dhawaaqaya oo leh:
"Ha walwalina, maxaa yeelay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Rabbi ayuu
leeyahay aan luminayn, garabkiisana aan ka baxayn".
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Midkaagaan hadlayow, yaana noo keenaya? Halkeebusee ku sugan yahay?"
Wuxuu yiri:
"Wuxuu ku sugan yahay Waadi Tihaamata\‫"وادي تهامة‬.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
soo kacay, isagoo daabbadiisa saaran,
hubaysanna. Markaasuu markuu in jidka ka mid ah gooyey, ayuu wuxuu la kulmay Waraqah bin
Nawfal\‫ورقة بن نوفل‬. Markaasey isku lug darsadeen oo ay is raaceen, waxayna Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka heleen geed hoostiisa isagoo fadhiya..
Riwaayad kalena waxay leedahay:
"Ayadoo ay Abuu Mascuud Al Thaqafii\‫ أبو مسعود الثقفي‬iyo Camr bin Nawfal\‫ عمرو بن نوفل‬ay
rukuubbadooda fuushan yihiin, ayay waxay arkeen isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
geed moos ah dhinac taagan oo caleemaha geedka guranaya.
Markaasaa waxaa u yimid Camr\‫عمرو‬, isagoon aqoonayn, wuxuuna yiri:
169
"Kumaad tahay?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"أنا محمد بن عبد المطلب بن هاشم‬
"Anaa Muxammadun bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Anigu waxaan ahay Muxammad bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim ‫محمد بن عبد المطلب‬
‫ بن هاشم‬.”
Markaasuu daabbaddiisa soo saaray, oo uu hortiisa fariisiyay, wuxuuna u keenay Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫"عبد المطلب‬.
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
"Markuu Ilaahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, usoo celiyey, Cabdu Al Mudhdhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu sadaqaystay kun halaad oo geel ah oo wada socda iyo konton rodol oo
dahab ah, Xaliimana‫ حليمة‬wuxuu u sooryeeyey oo u ambabixiyay wax siinta ugu fiican".
Sidaas waxaa wariyay Al Khamiis\‫الخميس‬.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
u keenay hooyadiis Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬.
Markaasey markay hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
\‫وهب‬. u keeneen, ayay waxay Xaliiimo\‫ حليمة‬iyo ninkeeda ku tiri:
"‫ وعلى مكثه عندك؟‬،‫ وقد كنت حريصة عليه‬،‫"ما أقدمك به يا ظئر‬
”Maa aqdamaki bihi yaa th’ir, wa qad kunti xariisatin calayhi, wa calaa mukthihi
cindaki?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Maxaa idin soo celiyey waa idinkii ku dadaalayey haysashadiisee?"
Xaliimah\‫ حليمة‬waxay tiri: "Waxaan niri:
"Waxaan uga baqnay inay wax ku dhacaan ama dila ama bukaan u keena".
Waxay hooyadiis tiri:
"!‫ فاصدقيني خبرك‬،‫"ما هذا شأنك‬
“Maa haathaa sha’nuki, fa asdiqiinii khabaraki.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaasna maxay yihiin? Ee arrinkiinna idiin sababay inaad soo celisaan runta iiga sheega."
Sidaas ayayna ke celcelisay ilaa aan khabarkiisa uga warrannay. Markaan warkiisa siinnay (oo
ah labadii Malag oo calooshiisa dillaacisay) ayay ayadoo warkaas diidan waxay tiri:
"‫أفتخوفت عليه الشيطان؟‬
“Afa-takhawwafti calayhi al sh-shaydhaana?”
170
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma shaydhaan ayaad uga baqdeen?"
Xaalimo waxay tiri:
"Haa".
Markaasey Aaminah\‫ آمنة‬waxay tiri:
‫ "رأيت‬:‫" قالت‬.‫ "بلي‬:‫ أفال أخبرك خبره؟" قالت‬،‫ وإن لبني لشأنا‬،‫ وهللا ما للشيطان عليه من سبيل‬،‫"كال‬
‫ فوهللا ما رأيت‬،‫ ثم حملت به‬.‫ أنه خرج مني نور أضاء لي قصور بصرى من أرض الشام‬:‫حين حملت به‬
.‫ رافع رأسه إلى السماء‬،‫ وإنه لواضع يديه باألرض‬،‫ ووقع حين ولدته‬،‫من حمل قط كان أخف وال أيسر منه‬
".‫ وانطلقي راشدة‬،‫دعيه عنك‬
“Kallaa wa Allaahi maa lil shaydhaani calayhi min sabiilin, wa innaali bunayyaa la
sh’anan, afalaa ukhbiruki khabarahi?” Qaalat: “balaa.” Qaalat: “ra’aytu xiina xamaltu
bihi annahu kharaja minnii nuurun adaa’a lii qusuuru Busraa min ardi Al Shaami.
Thumma xamaltu bihi, fa wa Allaahi maa ra’aytu min xamlin akkhaffa wa laa aysara
minhu, wa waqaca xiina waladtuhu, wa innahu la waadicun yadayhi bi sl ardi, raaficun
ra’sahu ilaa al ssamaa’i. Daciihi canki, wa indhaliqii raashidatan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Taasi ahaan mayso, oo Wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan shaydhaan jid korkiisa ku lahayn iyo awood uu
ku gaaro, oo wiilkeygaan wuxuu yeelan doonaa. mustaqbal wayn". Waxayna Aaminah \‫آمنة‬
sidaas u tiri waxyaalahay aragtay markay uurkiisa qaaday iyo markay dhalaysayba, taasoo ay
Xaliimah\‫ حليمة‬u sheegtay." Khabarkaasna waxay Aaminah\‫ آمنة‬ku tiri Xaliiino\‫ حليمة‬iyo
ninkeeda, siduu ibnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay:
"Khabarkiisa ma idiin sheegaa? Markaan uurkiisa qaaday waxaan arkay inuu isaga soo baxay
nuur isaga u iftiimiyey guryaha Busraa\‫ بصرى‬ee arliga Shaam\‫الشام‬. Markaan uurkiisa lahaana oo
aan siday, wa Allaahi inaanan arag uur ka khaffifsan, kana fudud. Markaan dhalayna oo uu soo
dhacayna wuxuu labadiisa gacnood dhigay dhulka, isagoo madaxiisana Samada kor ugu qaaday
oo u haya." Aaminah\‫ آمنة‬, oo hadalkeeda ay Xaliimo iyo ninkeeda u jeedisay sii wadatana.
waxay tiri: "ii daaya, oo isaga taga".
Da'diisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka la soo celiyay
Xadiithkaan kore ee ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ee usoo celintiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hooyadiis, siduu u dhacayo waxaa ka muuqata in marka laabtiisa la danbalay kaddibna hooyadiis
loo soo celiyay ay ahayd sanadkiisa saddexaad, ayadoo uu wariyaha Xadiithku yiri:
"Laba bilood ama saddex kaddib" markay la soo noqdeen. Waxaase hubaal ah inuu ibnu Cabbaas
\‫ إبن عباس‬yiri:
"Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis usoo noqday isagoo shan sano jira".
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ghayrkiisna waxay yiraalideen isagoo afar jir ah, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, siduu labadaasba u wariyay Al Waaqidii\‫الواقدي‬.
Ibnu Cabdu Al Barr-na\‫ إبن عبد البر‬wuxuu yiri:
"Waxay soo celisay shan sano iyo laba maalmood kaddib."
171
Al Amawii-na\‫ األموي‬wuxuu yiri:
"Isagoo lix jir ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam".
Kitaabka Al Nuuri\‫ النور‬wadaadka dhigayna wuxuu isku dayey inuu dhacdooyinkaas mideeyo,
wuxuuna u daliilsaday in laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawr goor la dillaaciyay,
taasoo in fiiro loogu laabto ay tahay, oo waxaa kaloo isku dayiddaas ka cakiray inuu Al Amawii
\‫ األموي‬sheegay inayan Xaliimo\‫ حليمة‬markaas kaddib arag Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, laba goor oo kale mooyee, oo kala ah markuu Khadiijah \‫ خديجة‬guursaday kaddib,
ayna ugu timid ayadoo ay abaar haleeshay ka ashtakooneysa iyo inuu tolkeed wada abaareystay.
Markaasu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah\‫ خديجة‬la hadlay, oo ay Xaliimo
\‫ حليمة‬siisay labaatan neef oo ari ah iyo halo geel ah.
Marka labaad oo ay aragtayna waxay ahayd Maalinta Duullaanka Xunayn \‫ غزوة حنين‬ee sanadka
sideedaad ee Hijrada.
Waxa raajixa ahna, oo ay tahayna, ayuu Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬oranayaa, waa inuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam hooyadiis usoo noqday isagoo afar sano jira, ayna dhanbalidda laabtu
ahayd sanadkaas, afaraad, sida u hubiyeen Al Xaafithu Al Ciraaqii\‫الحافظ العراقي‬, kuna dhigay
kitaabkiisa Nathmi Al Siirah\‫نظم السيرة‬, iyo ardaygiisa Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬oo ku dhigay
kitaabkiisa Siirada ah, oo ah kitaab yar oo faa'iido badan, isagoo ku kooban inta saxa ah ee waxa
la isku khilaafay.
Al Ciraaqii\‫ العراقي‬wuxuu yiri:
‫أقام في سعد بن بكر عندها\أربعة األعوام تجنى سعدها‬
‫وحين شق صدره جبريل\خافت عليه حدثا يؤول‬
.‫ردته سالما إال آمنة‬
1. Aqaama fii Sacda bin Bakr cindahaa
arbacata al acwaami tajannaa sacdahaa.
2. Wa xiina shaqaa sadrahu Jibriilu
khaafat calayhi xadathan ya'uulu.
3. Raddathu saaliman ilaa Aaminata.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Wuxuu ku sugnaaday reer Sacd bin Bakr\‫ بنس سعد بن بكر‬agtooda
Afar sano oo ay liibaantiisa guranayeen.
2. Markuu Jibriil\‫ جبريل‬laabtiisa dhanbalayna
Waxay uga baqday wax xun oo la maleeyo.
3. Waxay u celisay isagoo nabad qabah Aaminah\‫آمنة‬.
Ibnu Xajarna\‫ إبن حجر‬wuxuu Siiradiisa ku yiri:
"Wuxuu agteeda ku sugnaaday afar sano oo ay labo sano oo kaamil ah ay nuujineysey. Kaddibna
waxay u keentay hooyadiis, waxayna weydiisatay inay agteeda u dayso ilaa uu ka koro, wayna
ka yeeshay. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬u yimid oo uu laabtiisa dhanbalay, kana soo bixiyay xinjir,
wuxuuna yiri:
"Kani waa nasiibkuu shaydhaanku kugu lahaa."
Markasey Xaalimo\‫ حليمة‬u baqday, oo ay markaas hooyadiis usoo celisay".
172
Intaasuu hadalka ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬ku egyahay.
Imaam Buusiirii\‫ اإلمام البوصيري‬wuxuu Hamziyada\‫ الهمزية‬nuujinta Xaliimah\‫ حليمة‬ka yiri:
‫وبدت في رضاعه معجزة \\ ليس فيها عن العيون خفاء‬
‫إذ أبته ليتمه مرضعات \\ قلن ما في اليتيم عنا غناء‬
‫فاتته من آل سعد فتات \ \قد أبتها لفقرها الرضعاء‬
‫أرضعته لبانها فسقتها \\ وبني لها البانهن الشاء‬
‫أصبح شوال عجافا وأمست \\ ما بها شائل وال عجفاء‬
‫أخصب العيش عندها بعد محل \\ إذ غدا للنبي منها غذاء‬
‫ \\ ر عليها من جنسها والجزاء‬-‫يا لها منة لقد ضعف ااألج‬
‫وإذا سخر اإلله أناسا \\ لسعيد فإنهم سعداء‬
.‫ \\ ف لديه يستشرف الضعفاء‬-‫حبة أنبتت سنابل والعس‬
1. Wa badat fii radaacihi mucjizaatun
laysa fiihaa cani al cuyuuni khafaa'u.
2. Ith abat-hu li yutmihi murdicaatun
qulna maa fii al yatiimi canna ghanaa'u.
3. Fa atathu min aali Sacdin fataatun
qad abat-haa li faqrihaa al rudacaa'u.
4. Ardacathu libaanahaa fa saqathaa
wa banii lahaa albaanahunna al shaa'u.
5. Asbaxat shuwwalan cijaafan wa amsat
maa bihaa shaa'ilun wa laa cajfaa'u.
6. Akhsaba al cayshu cindahaa bacda maxlin
ith ghadaa lil Nabiyyi minhaa ghithaa’u.
7. Yaa lahaa minnatan laqad duucifa al ajru calayhaa min jinsihaa wa al jazaa'u.
8. Wa ithaa sakh-khara Al I1aahu unaasan
li saciidin fa innahum sucadaa’u.
9. Xabbatun anbatat sanaabila wa al casfu ladayhi yastashrifu al ducafaa’u.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Zamanka nuujintiisa waxaa soo ban baxay mucjizooyin/
kuwaasoo ah kuwa aan indhaha ka qarsoomayn, lagana amuusi karin.
2. Haweenka caruurta nuujiyana ay agoonnimadiisa ku diideen
waxayna yiraahdeen: agoonku wax maal ah oo na anfaca ma laha.
3. Markaasaa reer Sacd\‫ بني سعد‬waxaa ka timid gabar dhallinyaro ah, waana
Xaliimah\‫حليمة‬/ayagoo haweenku saboolnimadooda iyo baahida ay wax siin u qabaan daraadeed
u diiday.
4. Markaasey caaneheeda nuujisay oo ay ka waraabisay/sidaas daraadeed ayuu arigeedu intuu u
dararay ayuu ayadana caruurteeda caano waraabiyay.
5. Arigeeda iyo hasheeduba waxay waabariisteen ayagoo caato iyo caano la'aan ah/waxaana
habeenku u dumay ayagoo caano miiran ah (Kaddib markay maalintaas Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, soo qaadatay), oo buurbuuran.
173
6. Waxaa u barwaaqoobay nolosha in yar kaddibba, ayada iyo xooleheedaba/sababta keentayna
ay tahay inay caaneheeda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siisay.
7. Waxaa yaab leh inay nuujisay ajar adduun la'aantiis oo ay manneysatay, waxaana loo
laablaabay ajarka/siday isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caano u waraabisay, ayaa ayada
iyo caruurteedaba xooleheeda caano looga waraabiyay: waxay bixisay wax jinsigiisa la mid ah
ayaa loogu abaal guday.
8. Hadduu Ilaahay dad u sakhiro Isaga u adeegiddiisa, ayaguna way liibaanayaan. Waxa ugu
wayn oo ay Xaalimo\‫ حليمة‬ku liibaantayna waa inuu Ilaahay Islaamka ayada iyo ninkeeda iyo
caruurteedaba uu waafajiyay, oo ay islaameen.
9. Waa xabbad dhashay sabuul dhan, caleenta qallashayna ay agtiisa kuwa saboolka ah
fiirsanayaan oo ay dhawraan: abaarta jirtay xumaanteeda, ayay dadku bal miro iyo caano iyo dhir
iskaba daaye, waxay raadinayaan caleen qallashay. Xaalimana\‫ حليمة‬waxaa la siiyey caano iyo
barwaaqo.
Soo celinta Xaliimah\‫حليمة‬
Xaalimo\‫ حليمة‬markay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis usoo celineysey
waxay u keentay awoowihiin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬.
Imaam Buusiirii\‫ البوصيري‬wuxuu soo celintaas awoowihiis loo soo celiyay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka yiri:
‫وبها من فصاله البرحاء‬
‫فثنت بأنه قرآن‬
‫د لهيب تصال باألحشاء‬
‫ثاويا اليمل منه الثواء‬
‫مضغة عند غسله سوداء‬
‫ضع ما لم تضع له أنباء‬
‫ض ملم به وال اإلفضاء‬
‫وة طفال وهكذا النجباء‬
.‫نشطت في العبادة األعضاء‬
1. Wa atat jaddahu wa qad fasalathu.
Wa bihaa min fisaalihi al buraxaa'u.
2. It xaadhat bihi Malaa'ikatu Allaahi
Fa thannat bi annahu quranaa'u.
3. Wa ra'aa wajdahaa bihi wa mina al wajdi lahiibun tuslaa bi al axshaa'u.
4. Faaraqathu kurhan wa kaana ladayhaa
Thaawiyan laa yumallu minhu al thawaa'u.
5. Shuqqa can qalbihi wa ukhrija minhu
Mudghatun cinda ghaslihi sawdaa'u.
6. Khatamathu yumnaa Al Amiini wa qad uudica maa lam tuthac lahu anbaa'u.
7. Saana asraarahu al khitaamu falaa alfaddu mulimmun bihi wa laa al ifdaa'u.
‫وأتت جده وقد فصلته‬
‫إنحاطت به مالئكة هللا‬
-‫ورأى وجدها به و من الوج‬
‫فارقته كرها وكان لديها‬
‫شق عن قلبه وأخرج منه‬
-‫خاتمه يمنى األمين وقد أو‬
-‫صان أسراره الختام فال ألف‬
-‫ألف النسك وعبادة و الخل‬
‫وإذا حلت الهداية قلبا‬
174
8. Alifa al nuska wa cibaadata wa al khalwata dhiflan wa haakathaa al nujabaa'u.
9. Wa ithaa xallati al hidaayatu qalban
Nashidhat fii al cibaadati al acdaa'u.
Gabayga macnihiisu waxaa wceye:
1. Waxayna u keentay awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo soo
gurisay/Ayadoo ay gurintaasu xanuunka kala tegidda uu ku hayo, kaddib waxay khayr ku heshay
iyo barakooyin intuu agteeda joogay. Hadduuse labo sano gaaray, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo ay gurisay, waxay ahayd inay awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطاب‬usoo
celiso.
2. Markay Malaa'igta Ilaahay ee qalbigiisa Sallaa Allahu Calayhi Wasallam dhanbalay ay
hareereeyeen/ayna u malaysey inay shaydhaan yihiin, oo ay markaas u baqday.
3. Awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu arkay xoogga jacaylka ay u
qabto/jacaylkana waxaa ka dhasha dab uurka guba.
4. Waxay kahatay firaaqiisa iyo ka tala teggiisa, isagoo, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam,
agteeda ku sugnaa ayadoo joogiddiisa jecel. Laba goor ayay kahatay inay kala tagaan: markuu
labo sano jirsaday oo ay gurisay, oo ay hooyadiis ku tiri inay uga baqayso, hadday uga tagto inay
ku dhacaan cudurrada Makkah\‫مكة‬, oo ay markaas la noqotay, iyo markuu afar jirsaday oo
laabtiisa, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, la dillaaciyay kaddib.
5. Qalbigiisa ayaa la dhanbalay , waxaana dhexdiisa laga soo saaray/cad hilib ah oo madow
marka la dhaqayey.
6. Waxaa khatamtay oo aaburtay midigta Kan Amiinka ah, waana Jibriil, waxaana lagu
kaydiyey/wax aan warkeeda. la faafin. Waxaa weeye inuu Jibriil gacantiisa mariyay dillaaca
laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu dillaacu xirmay, kaddibna uu Jibriil qalbigiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhex shubay iimaan iyo xikmo iyo asraar aan la faafin, oo
cid ogsoon ayan jirin, oo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬keli ah ogyahay.
7. Waxaa asraarta qalbigiisa lagu shubay dhawray khaatimka la saaray/jebin iyo sheegid midna
wax u dhimi mayaan.
8. Wuxuu jeciaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cibaadeysiga iyo keli ahaanshaha/intuu
yaraa, taasoo ah caadada kariimiinta.
9. Hadday hidaayadu dhex gasho qalbiga/xubnuhu waxay u yeeshaan firfircooni cibaadeysiga,
ayadoo uu siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay wadnuhu hoggaamiyaha
jirka qofka yahay.
Waxay Aaminah\‫ آمنة‬ku tiri Xaliimah\‫ حليمة‬markay wiilkeeda u dhiibtay Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu Al Dhabaqaatu\‫ الطبقات‬ku wariyay oo yiri:
“Hooyadiis waxay tiri:
‫ "قيل لي‬:‫ وقالت‬،‫ وأخبرتها ما رأت وما قيل لها فيه حين ولدته‬،"‫"يا ظئر سلي عن إبنك فإنه سيكون له شأن‬
‫ "فإن أبا هذا الغالم الذي في‬:‫" قالت حليمة‬.‫ ثم في آل أبي ذؤيب‬،‫ استرضعي ابنك في بني سعد بن بكر‬:‫ثالث ليل‬
".‫" فطابت نفس حليمة بكل ما سمعت‬.‫ وهو زوجي‬،‫حجري أبو ذؤيب‬
‫‪175‬‬
‫‪“Yaa thi’r sgaii can ibnika fa innahu sayakuunu lahu sha’nun.’ Wa akhbarathaa maa ra’at‬‬
‫‪wa maa qiila lahaa fiihi xiina waladathu, wa qaalat: “qiila lii thalaatha laylin: istardicii‬‬
‫”‪ibnaki fii Banii Sacd bin Bakar, thumma fii Aali Abii Thu’ayb.‬‬
‫‪Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:‬‬
‫”‪“Haween yahay ka wareyso wiilkaaga xaalkiisa oo isagu wuxuu yeelanayaa mustaqbal wayn.‬‬
‫‪Waxayna u sheegtay waxay aragtay iyo waxa lagu yiri markay dhashay, waxayna tiri:‬‬
‫‪“saddex habeen ayaa waxaa la igu yiri:‬‬
‫‪ oo waliba kasii ah Reer Abii‬بني سعد بن بكر\‪“wiilkaaga ha nuujiyaan reer Banii Sacad bin Bakar‬‬
‫”‪.‬أبي ذؤيب\‪Thu’ayb‬‬
‫‪ waxay tiri:‬حليمة\‪Xaliimah‬‬
‫”‪, waana ninkayga.‬أبو ذؤيب‪“wiilkaygaan dhabtayda saran aabihiis waa Abuu Thu’ayb‬‬
‫‪ ku faraxday dhammaan waxay maqashay oo idil.‬حليمة\‪Markaasay Xaliimah‬‬
‫‪ ee dhanbaliida laabta‬شداد\‪Xadiithka Shaddaad‬‬
‫إبن عساكر\‪ iyo Ibnu Casaakir‬أبو نعيم\‪ iyo Abuu Nucaym‬أبو يعلى\‪, Abuu Yaclaa‬الطبري\‪Al Dhabarii‬‬
‫‪ ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu‬شداد بن أوس\‪waxay Shaddaad bin Aws‬‬
‫‪Calayhi Wasallam, yiri:‬‬
‫حدثنا نصر بن عبد الرحمن األزدي‪ ،‬قال‪ :‬حدثنا محمد بن يعلى‪ ،‬عن عمر بن صبيح‪ ،‬عن ثور بن يزيد الشأمي‪ ،‬عن‬
‫مكحول الشأمي‪ ،‬عن شداد بن أوس‪ ،‬قال‪ :‬بينا نحن جلوس عند رسول اهلل صلى اهلل عليه وسلم‪ ،‬إذ أقبل شيخ من بني‬
‫عامر‪ ،‬وهو مدره قومه وسيدهم؛ من شيخ كبير يتوكأ على عصا‪ ،‬فمثل بين يدي النبي اهلل صلى اهلل عليه وسلم قائما‪،‬‬
‫ونسبه إلى جده‪ ،‬فقال‪ :‬يا ابن عبد المطلب‪ ،‬إني أنبئت أنك تزعم أنك رسول اهلل إلى الناس‪ ،‬أرسلك بما أرسل به إبراهيم‪،‬‬
‫وموسى‪ ،‬وعيسى‪ ،‬وغيرهم من األنبياء‪ ،‬أال وانك فوهت بعظيم‪ ،‬وانما كانت األنبياء والخلفاء في بيتين من بني إسرائيل‪ ،‬وأنت‬
‫ممن يعبد هذه الحجارة واألوثان‪ ،‬فما لك وللنبوة ! ولكن لكل قول حقيقة‪ ،‬فأنبئني بحقيقة قولك‪ ،‬وبدء شأنك؛ قال‪ :‬فأعجب‬
‫النبي اهلل صلى اهلل عليه وسلم بمسألته‪ ،‬ثم قال‪ :‬يا أخا بنى عامر‪ ،‬إن لهذا الحديث الذي تسألني عنه نبأ‬
‫ومجلسا‪ ،‬فاجلس‪ ،‬فثنى رجليه ثم برك كما يبرك البعير‪ ،‬فاستقبله النبي اهلل صلى اهلل عليه وسلم بالحديث‬
‫فقال‪ :‬يا أخا بني عامر‪ ،‬إن حقيقة قولي وبدء شأني‪ ،‬أنى دعوة أبي إبراهيم‪ ،‬وبشرى أخي عيسى بن مريم‪.‬‬
‫واني كنت بكر أمى‪ ،‬وانها حملت بي كأثقل ما تحمل‪ ،‬وجعلت تشتكي إلى صواحبها ثقل ما تجد‪ .‬ثم إن أمى‬
‫رأت في المنام أن الذي في بطنها نور‪ ،‬قالت‪ :‬فجعلت أتبع بصرى النور‪ ،‬والنور يسبق بصرى‪ ،‬حتى‬
‫أضاءت لي مشارق األرض ومغاربها‪ .‬ثم إنها ولدتني فنشأت‪ ،‬فلما نشأت بغضت إلى أوثان قريش‪،‬‬
‫وبغض إلى الشعر‬
‫‪176‬‬
‫‪ ،‬وكنت مسترضعا في بني ليث بن بكر‪ ،‬فبينا أنا ذات يوم منتبذ من أهلي في بطن واد مع أتراب لي من‬
‫الصبيان نتقاذف بيننا بالجلة‪ ،‬إذ أتانا رهط ثالثة معهم طست من ذهب ملئ ثلجا فأخذوني من بين‬
‫أصحابي‪ ،‬فخرج أصحابي هرابا حتى انتهوا إلى شفير الوادي‪ ،‬ثم أقبلوا على الرهط فقالوا‪ :‬ما أربكم إلى هذا‬
‫الغالم‪ ،‬فإنه ليس منا‪ ،‬هذا ابن سيد قريش‪ ،‬وهو مسترضع فينا؛ من غالم يتيم ليس له أب‪ ،‬فماذا يرد‬
‫عليكم قتله‪ ،‬وماذا تصيبون من ذلك ! ولكن إن كنتم قاتليه‪ ،‬فاختاروا منا أينا شئتم‪ ،‬فليأتكم مكانه فاقتلوه‪،‬‬
‫ودعوا هذا الغالم فإنه يتيم‪ .‬فلما رأى الصبيان القوم ال يحيرون إليه جوابا‪ ،‬انطلقوا هرابا مسرعين إلى‬
‫الحي‪ ،‬يؤذنونهم ويستصرخونهم على القوم؛ فعمد أحدهم فأضجعنى على األرض إضجاعا لطيفا‪ ،‬ثم شق‬
‫ما بين مفرق صدري إلى منتهى عانتي‪ ،‬وأنا أنظر إليه‪ ،‬فلم أجد لذلك مسا‪ .‬ثم أخرج أحشاء بطني ثم‬
‫غسلها بذلك الثلج فأنعم غسلها‪ ،‬ثم أعاداها مكانها‪ ،‬ثم قام الثاني منهم فقال لصاحبه‪ :‬تنح؛ فنحاه عني‪،‬‬
‫ثم أدخ ل يده في جوفي فأخرج قلبي وأنا أنظر إليه فصدعه‪ ،‬ثم أخرج منه مضغة سوداء‪ ،‬فرمى بها ثم قال‬
‫بيده يمنة منه؛ كأنه يتناول شيئا‪ ،‬فإذا أنا بخاتم في يده من نور يحار الناظرون دونه‪ ،‬فختم به قلبي‬
‫فامتأل نورا‪ ،‬وذلك نور النبوة والحكمة‪ ،‬ثم أعاده مكانه فوجدت برد ذلك الخاتم في قلبي دهرا‪ ،‬ثم قال الثالث‬
‫لصاحبه‪ :‬تنح عني‪ ،‬فأمر يده ما بين مفرق صدري إلى منتهى عانتي‪ ،‬فالتأم ذلك الشق بإذن اهلل‪ .‬ثم أخذ‬
‫بيدي فأنهضني من مكاني إنهاضا لطيفا‪ ،‬ثم قال لألول الذي شق بطني‪ :‬زنه بعشرة من أمته‪ ،‬فوزنوني‬
‫بهم فرجحتهم‪ ،‬ثم قال‪ :‬زنه بمائة من أمته‪ ،‬فوزنوني بهم فرجحتهم‪ ،‬ثم قال‪ :‬زنه بألف من أمته‪ ،‬فوزنوني‬
‫بهم فرجحتهم‪ .‬فقال‪ :‬دعوه‪ ،‬فلو وزنتموه بإمته كلها لرجحهم قال‪ :‬ثم ضموني إلى صدورهم وقبلوا رأسي‬
‫وما بين عيني‪ ،‬ثم قالوا‪ :‬يا حبيب‪ ،‬لم ترع؛ إنك لو تدري ما يراد بك من الخير لقرت عيناك‪.‬‬
‫‪”Yaa akhaa Banii Caamir, inna li haathaa hg xadiithi allathii tas’alunii canhu naba’an ,‬‬
‫”‪majlisan, fa ajlis.‬‬
‫‪Fa tanaa rijlayhi thumma baraka kamaa yabruku al baciiru, fa istaqbalahu Al Nabiyyu‬‬
‫‪Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam bi al xadiithi fa qaalala:‬‬
‫‪Yaa akhaa Banii Caamir, inna xaqiiqata qawlii wa bad’u sha’nii, annii dacwatu abii‬‬
‫‪Ibraahiim, wa bushraa akhii Ciisaa bin Maryama. Wa inii kuntu bikra ummii, wa innahaa‬‬
‫‪xamalat bii ka athqala maa taxmilu, wa jacalat tashtakii ilaa sawaaxibihaa thaqla maa‬‬
‫‪tajidu. Thumma inna ummii ra’at fii al manaami anna allathii fii badhinihaa nuurun, fa‬‬
‫‪jacaltu utbicu basarii al nnuura, wa al nnuru yasbiqu basarii, xattaa adaa’at lii‬‬
‫‪mashaariqa al ardi wa maghaaribihaa. Thumma waladatnii fa nasha’atu, falammaa‬‬
‫‪nasha’atu bughidat ilayya awthaanu Qurayshin, wa bughida ilayya al shicra.‬‬
‫‪"Kuntu mustardican fii Banii Layth bin Bakr, fa baynamaa anaa thaata yawmin min ahlii‬‬
‫‪fii badhni waadin maca atraabin lii mina al sibyaani, nataqaathafu baynanaa bi al jullati‬‬
‫‪ith ataanaa rahdhu thalaathatin macahum dhastun min thahabin malii’un thaljan fa‬‬
‫‪akhathuunii min bayna asxaabii, fa kharaja asxaabii hiraaban xattaa intahuu ilaa shafiiri‬‬
‫‪al waadii, thumma aqbaluu calaa al rahdhi faqaaluu: ”maa arabakum bi haathaa al‬‬
‫‪ghulaami, fa innahu laysa minnaa, haathaa ibnu sayyidi Qurayshin wa huwa mustardicun‬‬
177
fiinaa; min ghulaamin yatiimin laysa lahu abun, fa maathaa yaridu calaykum qatlahu? Wa
maa thaa tusiibuuna min thaalika! Wa laakin in kuntum qaatiliihi, fa ikhtaaruu minnaa
ayyinaa sh’itum fl ya’tikum makaanuhu fa uqtuluuhu wa dacuu haathaa al ghumaama fa
innahu yatiimun.”
Falammaa ra’aa al sibyaanu al qawma la yuxiiruuna ilayhi jawaaban, indhalaquu harabn,
musriciima ilaa al xayyi yu’ath-thinuunahum wa yastasrikhuunahum calaa al qawmi. Fa
camada axaduhum fa adjacanii calaa al ardi idjaacan ladhiifan, thumma shaqqa maa
bayna mafriqa sadrii ilaa muntahaa caanatii, wa anaa anthuru ilayhi, fa lam ajid li
thaalika massan. Thumma akharaja axshaa’a badhnii thumma ghasalahaa bi thaalika al
thalji fa ancama ghaslahaa, thumma acaadahaa makaanahaa, thumma qaama al th-thaanii
minhum fa qaala li saaxibihi: ”tanaxxi”; fa naxaahu cannii, thumma adkhala yadahu fii
jawfii fa akhraja qalbii wa anaa anthuru ilayhi fa sadacahu, thumma akhraja mihu
mudghatan sawdaa’a, fa ramaa bihaa thumma qaala bi yadihi yumnatan minhu; ka
annahu yatanaawalu shay’an, fa ithaa anaa bi khaatimin fii yadihi min nuurin yaxaaru al
nnaathiruuna duunahu, fa khatama bihi qalbii fa imtala’a nuuran, wa thaalika nuuru al Al
Nubuwwati wa al xikmati, thumma acaadahu wakaanahu, fa wajadtu barda thaalika al
khaatima fii qalbii dahran, thumma qaala al th-thaalithu li saaxibihi: ”tanaxxa canni.” Fa
amarra yadahu maa bayna mafriqa sadrii ilaa muntahaa caanatii, fa ilta’ama thaalika al
shaqqu bi ithni Allaahi. Thumma akhatha bi yadii fa anhadanii min makaanii inhaadan
ladhiifan, thumma qaala lil awwali allathii shaqqa badhnii: ”zinhu bi cashratin min
ummatihi”, fa wazanuunii bihim fa rajaxtuhum, thumma qaala: ”zinhu bi mi’atin min
ummatihi”, fa wazanuunii fa rajaxtuhum, thumma qaala: ”zinhu bi alfi min ummatihi”, fa
wazanuunii bihim fa rajaxtuhum. Fa qaala: ”dacuuhu, falaw wazantuhum bi ummatihi
kulliha la rajaxahum.” Qaala: thumma damuunii ilaa suduurihim wa qabbaluu ra’sii wa
maa bayna caynayya, thumma qaaluu: ”yaa xabiib lam turac; innaka law tadrii maa
yuraadu bika mina al khayri la qarrat caynaaka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu yiri:
”waxaa noo warramay Nasr bin Cabdu Al Rraxmaanu Al Azdii\‫ نصر بن عبد الرحمن األزدي‬oo yiri:
waxaa noo warramay Muxammad bin Yaclaa\‫ محمد بن يعلى‬oo ka wariyay Cumar bin Subayx ‫عمر‬
‫ بن صباح‬oo ka wariyay Thawr bin Yaziid Al Sha’mii‫ ثور بن يزيد الشامي‬oo ka wariyay Makxuul Al
Sha’mii\‫ مكحول الشامي‬oo ka wariyay Shaddaad bin Aws\‫ شداج بن أوس‬oo yiri:
”annagoo Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi a Calaa Aalihi Wa Sallam agtiisa fadhina
ayaa waxaa yimid oday u dhashay qabiilka Banii Caamir\‫ بني عامر‬oo odagooda iyo midka
taladooda haya ah, ahna oday da’ wayn oo ul ku tukubaya.
Markaasuu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam soo hor istaagay uuna
awoowihiis u nisbeeyey oo yiri:
”ina Cabdu Al Mudh-dhalibow\‫يا إبن عبد المطلب‬, waxaa la ii sheegay inaad adigu leedahay inaad
tahay Rasuulka Ilaahay uu dadka usoo diray, uuna kula soo diray wuxuu wax la mid ah wuxuu
lasoo diray Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Muuse\‫ موسى‬iyo Ciise\‫ عيسى‬iyo ghaykoodba Anbiyada kale,
sidaasaa adiguna waxaa ku hadashay wax wayn oo afkaaga kasoo baxay.
Anbiyada iyo khulafadana waxaa laga soo saari jiray laba guri oo reer Banii Israaiil \‫ بني إسرائيل‬ka
mid ah, adiguna waxaad ka dhalatay dadkaani dhagaxda iyo asnaamta caabuda, marka
178
xaggeebaad Nabinnimo isaga imaanaysaan! Laakiin hadal walba wuxuu leeyahay xaqiiqo run ah,
marka ii sheeg runta iyo xaqiiqada hadalkaaga iyo siduu arrinkaagu ku bilowday!”
Wuxuu yiri:
”Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la yaabay su’aashiisa
oo u bogay, kaddibna uu yiri:
”walaalkaan Reer Banii Caamir\‫ بني عامر‬u dhashayow, warkaan aad xaggiisa iga waraysanaysid
waa war wayn lehna majlis lagu sheego ee fariiso.”
Markaasuu intuu labadiisa lugood isku dhejiyay ayuu u fariistay siduu geelu u fariisto oo kale.
Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xaggiisa hadalka ula soo
jeestay uuna yiri:
”walaaka Banii Caamirow\‫ بني عامر‬u dhashayow! Xaqiiqada hadalkayga iyo runtiisa iyo siduu
arrinkaygu ku bilawday waa inaan anigu ahay ducada aabahay Ibraahiim \‫ إبراهيم‬iyo bishaarada
walaalkay Ciise ina Maryama\‫عيسى ابن مريم‬, aniguna waxaan ahaa curadka hooyaday, waxayna
uurkayga qaaday uurka ugu culus, waxayna saaxibbadeed uga sheegan jirtay culayska haya.
Kaddib hooyaday ayadoo hurudda ayay waxay aragtay in midka caloosheeda ku jira uu nuur
yahay, waxayna tiri:
”markaasaan nuurkaas isha la raacay, nuurkuna uu ka hormaray oo ka dheereyey aragayga ilaa
ay ka aragto oo uu nuurkaas u iftiimiyay arliga qorrax kasoo bixiisa iyo arliga qorrax u
dhicciisaba. Kaddibna anigay i dhashay oo koray.
Markaan koray waxaa la i nacsiiyay asnaamta Quraysh \‫قريش‬, waxaana la i nacsiiyay gabayga,
waxaana la igu nuujiyay qabiilka Banii Layth bin Bakr\‫بني ليث بن بكر‬.
Markaasaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo ehelkayga ka fog oo bartamaha waadik la joogay
wiilal aan isku fac nahay oo aan digo isku tuurtuuraynno ayaa waxaa noo yimid koox saddex ka
kooban oo wata baaquli dahab ka smaysan oo baraf ka buuxo, markaasay asxaabtayda igala dhex
baxeen oo aniga i wateen. Markaasay asxaabteydii carareen ilaa ay ka gaaraan waadiga qarkiisa.
Markaas kaddib ayay waxay usoo jeesteen xagga kooxda ragga ah oo ay yiraahdeen:
”maxaad wiilkaan ka rabtaan? Oo isagu annaga nagama dhalan, waxaana dhalay sayyidka
madaxa u ah Quraysh, annagaana nuujinna, waana wiil agoon ah oo aan aabbe lahayn, marka
maxaad idinka soo gelaya dilkiisa maxaadna diliddiisa ka heleysaan? Haddaad dooneysaan inaad
dishaanna annaga midkaad doontaan naga doorta oo intaad isaga sii daysaan midkeenna aad
doorateen dila, isagana iska daaya oo waa agoon.”
Wiilashu markay arkeen inayan raggu u jawaabayn ayay carareen oo ay degmada iyo tolkood
xaggooda u carareen ayagoo u qaylinaya oo ka gargaar dalbaya inay raggaas ka celiyaan.
Markaasu nin kooxdaas ka mid ahi aniga isoo aaday oo uu si jilicsan dhulka ii jiifiyay,
markaasuu wuxuu dhanbalay inta u dhexeysa galawgeyga ilaa gumaarkaygu meeshuu ku
dhammaado anigoo fiirsanaya, jeexiddaasna ayan wax xanuun igu qaban oo aanan dareemin.
Markaasuu uur ku taasha calooshayda soo bixiyay oo uu ku dhaqay barafkaas , wuxuuna. u
dhaqay si aad u xeel dheer, ilaa ay kaba jilceen, kaddibna meeshooda ayuu ku celiyay.
179
Markaasuu kii labaad istaagay oo uu saaxiibkiis ku yiri:
"Ka wareeg, dhinac uga istaag".
Markaasuu dhinac u joogsaday oo uu isaguna meeshiisii istaagay. Markaasuu gacantiisa
uurkeyga geliyay oo uu wadnahayga soo bixiyay, anigoo fiirinaya. Markaasuu dhanbalay,
wuxuuna kasoo dhex bixiyay cad madow, oo uu markaas tuuray.
Kaddibna wuxuu Malaggu gacantiisa, u taagay oo uu ku tilmaamay xagga midig iyo xagga bidix,
sida isagoo wax soo qaadanaya kale. Mase waxaa gacantiisa ku jira khaatam nuur ka samaysan,
oo qofka meel dhow ka arkayaa uu nuurkiisa la wareerayo. Markaasuu khaatamkaas qalbigayga
ku aaburay. Markaasuu wadnahaygu nuur ka buuxsamay. Kaasna waa nuurka Nabinnimada iyo
xikmada.
Markaasuu wadnahayga meeshiisa ku celiyay. Markaasaan qabowga khaatimkaas waxaan
dareemayay muddo dheer markaas kaddib.
"Markaasuu kii saddexaad wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Ka wareeg oo dhinac u joogso."
Markaasuu, markuu sidaas yeelay, oo uu kii horteyda ka wareegay, ayuu midkaani gacantiisa
mariyay diillinta laabteyda kala bartah, ilaa dhammaadka gumaarkeyga. Markaasuu ithanka
Ilaahay Tacaalaa dillaacii isku yimid, oo uu isku dhegey. Kaddibna intuu gacanta i qabtay ayuu i
kiciyay oo uu igu istaajiyay meeshaan jiifay, kicin naxariis leh.
Markaasuu kii koowaad oo calooshayda dillaaciyay wuxuu ku yiri:
"Waxaad la miisaantaa toban nin oo ummaddiisa ka mid ah".
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culays batay.
Markaasuu wuxuu yiri:
"La miizaan boqol nin oo ummaddiisa ka mid ah."
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri:
"La miizaan kun nin oo ummaddiisa ka mid ah."
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Iska daaya, oo haddaad la miizaantaan ummaddiisa kulligeed, wuu ka culusaanayaa."
Markaasey laabohooda igu dhejiyeen, oo ay madaxaygana dhunkadeen iyo labadayda indhood
dhexdoodaba (aayagoo ka barakaysanaya, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam).
Kaddib waxay yiraahdeen:
"Xabiibka ay jecelyihiin Ilaahay iyo mu'miniintuba, ha cabsannin, oo bishaareyso, oo
mustaqbalkana waxaad ka cabsatid la kulmi maysid. Oo haddaad adigu ogaan lahayd waxa khayr
ah oo lagula doonayo, labadaada indhood way qabawsan lahaayeen."
Intaas ayuu ku egyahay Xadiithka Shaddaad bin Aws ee Al Dhabarii\‫الطبري‬.
180
Riwaayada Abuu Yaclaa\‫ أبو يعلى‬iyo Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬iyo Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬ee
Xadiithka Shaddaad bin Aws‫شداد بن أوس‬
Riwayada Abuu Yaclaa\‫ أبو يعلى‬iyo Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬iyo Ibnu Casaakir‫ إبن عساكر‬waa
sidatan:
‫ نتقذف‬،‫ فبينما أنا ذات يوم في بطن واد مع أتراب لي من الصبيان‬،‫"كنت مسترضعا في بني سعد بن بكر‬
‫ وانطلق الصبيان هربا‬،‫ فأخذوني من بين أصحابي‬.‫بيننا إذا أنا برهط ثالث معهم طست من ذهب مليء ثلجا‬
‫ ثم شق ما بين مفرق صدري إلى‬.‫ فعمد أحدهم فاضجعني على األرض اضجاعا لطيفا‬.‫مسرعين إلى الحي‬
‫ فانعم‬،‫ ثم غسلها بذلك الثلج‬،‫ ثم أخرج أحشاء بطني‬.‫ لم أجد لذلك مسا‬،‫ وأنا أنظر إليه‬،‫منتهى عانتي‬
‫ "تنح!" ثم أدخل يده في جوفي وأخرج قلبي وأنا‬:‫ ثم قام الثاني فقال لصاحبه‬.‫ ثم أعادها مكانها‬.‫غسلها‬
‫ فإذا‬.‫ كأنه يتناول شيئا‬،‫ ثم قال بيده يمنة ويسرة‬.‫ ثم أخرج منه مضغة سوداء فرما بها‬.‫أنظر إليه وصاعه‬
‫ ثم أعاده‬.‫ وذلك نور النبوة والحكمة‬،‫ فامتأل نورا‬.‫ فختم به قلبي‬.‫بخاتم في يده من نور يحار الناظر دونه‬
‫ "تنح!" فأمر يده بين مفرق صدري‬:‫ ثم قال الثالث لصاحبه‬.‫ فوجدت برد ذلك الخاتم في قلبي دهرا‬.‫مكانه‬
‫ ثم قال‬.‫ انهاضا لطيفا‬،‫ ثم أخذ بيدي فنهضني من مكاني‬.‫ فالتأم ذلك الشق بإذن هللا تعالى‬.‫إلى منتهى عانتي‬
‫" ثم‬.‫" فرجحتهم‬.‫ "زنه بمئاة من أمته‬:‫ ثم قال‬.‫ فرجحتهم‬،‫" فوزنني‬.‫ زنه بعشرة من أمته‬:‫األول للثالث‬
‫" ثم ضموني إلى صدورهم‬.‫ فلو وزنتموه بأمته كلها لرجحهم‬،‫ "دعوه‬:‫ فقال‬.‫" فرجحتهم‬.‫ "زنه بألف‬:‫قال‬
‫ إنك لو تدري ما يراد بك من الخير لقرت‬.‫ لم ترع‬،‫ "يا حبيب‬:‫ ثم قالوا‬،‫ وما بين عيني‬،‫وقبل وا رأسي‬
".‫عيناك‬
"Kuntu mustardican fii Banii Sacd bin Bakr, fa baynamaa anaa thaata yawmin fii badhni
waadin maca atraabin lii mina al sibyaani, nataqaathafu baynanaa ithaa anaa bi rahdhin
thalaathin macahum dhastun min thahabin malii'un thaljan. Fa akhathuunii min bayna
asxaabii, wa indhalaqa al sibyaanu haraban musriciina ilaa al xayyi. Fa camada axaduhum
fa adjacanii calaa al ardi idjaacan ladhilfan. Thumma shaqqa ma bayna mafriqa sadrii ilaa
muntahaa caanatii, wa anaa anthuru ilayhi, lam ajid li thaalika masan. Thumma akhraja
axshaa'a badhnii, thumma ghasalahaa bi thaalika al thalja, fa ancama ghaslahaa. Thumma
acaadahaa makaanahaa. Thumma qaama al thaanii fa qaala li saaxibibi: " Tanaxxa ".
Thumma adkhala yadahu fii jawfii wa akhraja qalbii wa anaa anthuru ilayhi wa saacahu.
Thumma akhraja minhu mudghatan sawdaa'a fa ramaa bihaa. Thumma qaala bi yadihi
yumnatan wa yusratan, ka annahu yatanaawalu shay'an. Fa ithaa bi khaatimin fii yadihi
min nuurin yaxaaru al naathiru duunahu. Fa khatama bihi qalbii. Fa imtala'a nuuran, wa
thaalika nuuru Al Nubuwwati wa al xikmati. Thumma acaadahu makaanahu. Fa wajadtu
barda thaalika al khaatimi fii qalbii dahran. Thumma qaala al thaalithu li saaxibihi:
"Tanaxxa". Fa amarra yadahu bayna mafriqa sadrii ilaa muntahaa caanatii. Fa alta'ama
thaalika al shaqqu bi ithni Allaahi Tacaalaa. Thumma akhatha bi yadii fa nahadanii min
makaanii, inhaadan ladhiifan. Thumma qaala al awwalu li al th-thaalithi: "Zinhu bi
cashrata min ummatihi". Fa wazananii, fa rajaxtuhum. Thumma qaala: "Zinhu bi mi'atin
min ummatihi." Fa rajaxtuhum. Thumma qaala: "Zinhu bi alfin". Fa rajaxtuhum. Fa
qaala: "Dacuuhu, fa law wazantumuuhu bi ummatihi kullahaa la rajaxahum." Thumma
dammuunii ilaa suduurihim wa qabbaluu ra'sii, wa maa bayna caynayya, thumma qaaluu:
"Yaa Xabiibu, lam turac. Innaka law tadrii maa yuraadu bika mina al khayri la qarrat
caynaaka."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
181
"Waxaan la degganaaa oo la iga nuujiyay reer Banii Sacd bin Bakr\‫ بني سعد بن بكر‬dhexdooda.
Markaasaa maalin anigoo ku sugan bartamaha waadi, lana jooga wiilal aan isku fac nahay, ayaa
waxaa horteyda yimid koox saddex ka kooban (Riwaayada Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu yiri:
"Labo waxay ahaayeen Jibriil\‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil\‫ميكائيل‬, waxaana la yiri kan saddexaad wuxuu
ahaa Israafiil\‫ )إسرافيل‬oo Malaa'ig ah, oo rag iska soo dhigay, sitana baaquli dahab ka samaysan
oo uu baraf ka buuxo. Markaasey saaxiibbadayda igala dhex bexeen, oo ay asxaabteyduna intay
gaddoomeen si dhakhso leh xagga degmada ugu carareen.
Markaasuu saddexdooda midkood i qabtay oo uu dhulka i jiifiyay, si turid miiran ah oo aan i
dhibin. Markaasuu wuxuu dillaaciyay diillinta laabteyda kala barta, ilaa meeshuu gumaarkeygu
ku dhammaado (oo ah meeshey timihu kasoo baxaan farjiga ragga iyo haweenkaba), anigoo
fiirinaya.
Wax xanuun ah maba aanan dareemin, oo in la i taabtayba ma aanan dareemin.
Kaddib wuxuu soo bixiyay uur ku taasheyda, oo uu barafkaas ku dhaqay, wuxuuna. u dhaqay si
aad u xeel dheer, ilaa ay kaba jilceen. Kaddibna meeshoodii ayuu ku celiyay.
Markaasuu kii labaad istaagay oo uu saaxiibkiis ku yiri:
"Ka wareeg, dhinac uga istaag".
Markaasuu dhinac u joogsaday oo uu isaguna meeshiisii istaagay. Markaasuu gacantiisa
uurkeyga geliyay oo uu wadnahayga soo bixiyay, anigoo fiirinaya. Markaasuu dhanbalay,
wuxuuna kasoo dhex bixiyay cad madow, oo uu markaas tuuray. {(Riwaayada Muslim\‫ مسلم‬iyo
Axmad\‫ أحمد‬oo ay Anas\‫ أنس‬ka wariyeen wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"فاخرجا علقة وقال هذا حظ الشيطان منك‬
"Fa akhraja calaqatan" wa qaala haathaa xath-thu al shaydhaani minka",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuu soo bixiyay xinjir, wuxuuna. yiri:
"Kani waa sadka uu shaydhaanku adigu kugu leeyahay".
Markaasuu tuuray.
Nasiibka shaydhaanka: waa barta uu. wadnaha qofka ka fariisto oo uu ka waswaasiyo, oo uu ugu
xambaaro wax ka duwan wuxuu Ilaahay amrayo, sidaan xoogaa ka bacdi u arki doonno, inshaa'a
Allaahu. Labada riwaayadoodna is diidi mayaan, oo xinjirta wayni cad ayay u egtahay)}.
Kaddibna wuxuu Malaggu gacantiisa, u taagay oo uu ku tilmaamay xagga midig iyo xagga bidix,
sida isagoo wax soo qaadanaya kale.
Mase waxaa gacantiisa ku jira khaatam\‫ خاتم‬nuur ka samaysan, oo qofka meel dhow ka arkayaa
uu nuurkiisa la wareerayo.
Markaasuu khaatamkaas qalbigayga ku aaburay. Markaasuu wadnahaygu nuur ka buuxsamay.
Kaasna waa nuurka Nabinnimada iyo xikmada."
Al Nawawii\‫ النووي‬wuxuu yiri:
"Nuurkaasu waa cilmiga koobaya aqoonsiga Ilaahay, oo basiirada u gudbinaya, naftana saafi
yeelaya, xaqqana ka dhabaynaya in cilmigaas lagu camal falo, wixii kasoo horjeedana laga tago.
Xikmana waxaa leh kii intaas kooba". Intaas ayuu ku egyahay warka Al Nawawii\‫ لنووي‬, Allaha
u naxariistee.
Haddaan Xadiithka sii wadno, wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
182
"Markaasuu kii saddexaad wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Ka wareeg oo dhinac u joogso."
Markaasuu, markuu sidaas yeelay, oo uu kii horteyda ka wareegay, ayuu midkaani gacantiisa
mariyay diillinta laabteyda kala bartah, ilaa dhammaadka gumaarkeyga.
Markaasuu ithanka Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬dillaacii isku yimid, oo uu isku dhegey. Kaddibna
intuu gacanta i qabtay ayuu i kiciyay oo uu igu istaajiyay meeshaan jiifay, kicin naxariis leh.
Markaasuu kii koowaad wuxuu kan saddexaad ku yiri:
"Waxaad la miisaantaa toban nin oo ummaddiisa ka mid ah".
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culays batay.
Markaasuu wuxuu yiri:
"La miizaan boqol nin oo ummaddiisa ka mid ah."
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday. Markaasuu wuxuu yiri:
"La miizaan kun nin oo ummaddiisa ka mid ah."
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri: "Iska daaya, oo haddaad la miizaantaan ummaddiisa kulligeed, wuu ka
culusaanayaa."
Markaasey laabohooda igu dhejiyeen, oo ay madaxaygana dhunkadeen iyo labadayda indhood
dhexdoodaba (aayagoo ka barakaysanaya, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam). Kaddib waxay
yiraahdeen: "Xabiibka ay jecelyihiin Ilaahay iyo mu'miniintuba, ha cabsannin, oo bishaareyso,
oo mustaqbalkana waxaad ka cabsatid la kulmi maysid. Oo haddaad adigu ogaan lahayd waxa
khayr ah oo lagula doonayo, labadaada indhood way qabawsan lahaayeen."
Intaas ayuu ku egyahay Xadiithka Shaddaad bin Aws\‫شداد بن أوس‬.
Xadiithka ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee dhanbaliidda laabta
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu ihnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee,
ka wariyay inay Xaliimah\‫ حليمة‬tiri:
"Waxaa ii yimid wiiikayga Damrah\‫ ضمرة‬-oo magaciisu yahay, sidaan usoo aragna, Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬-, oo cabsi la ordaya, wajigiisana ay ilmo ka dureereyso, oo ooyaya, qaylinayana
oo oranaya:
"Aabow, hooyey, Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka gaara, gaarina
maysaane isagoo mayd ah mooyee, oo waxaa u yimid nin, markaasuu dhexdeenna kala baxay,
wuxuuna la fuulay fiidda u sarreysa ee buurta. Markaasuu laabtiisa dillaaciyay, ilaa
gumaarkiisa."
Xadiithkaan ibnu Cabbaasna\‫ إبن عباس‬waxaa ka mid ah inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫ وفي يد الثاني طست من زمردة خضراء‬،‫ بيد أحدهم إبريق من فضة‬،‫"أتاني رهط ثالثة‬
"Ataanii rahdhun thalaathatun, bi yadi axadihim ibriiqun min fiddah, wa fii yadi al
thaanii dhistun min zumrudatin khadraa'a."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
183
"Waxaa ii yimid koox saddex ka kooban, oo uu midkood ibriiq, waa kirlee, fiddo, waa qaline, ka
samaysan gacanta ku sida, midka labaadna uu baaquli zumurd cagaaran ka samaysan gacanta ku
sito."
Xadiithka intiisa kale wuxuu la mid yahay midka ka horreeya ee Shaddaad bin Aws\‫ شداد بن أوس‬.
Marka, haddaad weydiisid oo aad tiraahdid:
"In qalbigiisa shariifka ah baaquliga dhexdiisa lagu dhaqo ma wax isaga u gooni ah baa, mase
sidaasoo kale ayaa Anbiyada kalena. lagu falay?"
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Waxaa looga jawaabayaa in khabarka Al Taabuuti‫ التابوت‬iyo Al Sakiinatu\‫ السكينة‬lagu wariyay
inuu ahaa baaquli lagu dhaqay quluubta Anbiyada, siduu Al Dhabarii\‫ الطبري‬u wariyay, uuna
ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬tafsiirkiisa isaguna ugu wariyay riwaayada Al Siddiyyi\‫السدي‬, oo ka wariyay
Abii Maalik\‫أبي مالك‬, oo ka wariyay ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬.
Taabuutku waa sanduukh ay dhexdiisa ku jiraan masawirrada Anbiyada, oo uu Ilaahay Tacaalaa,
kusoo dejiyay Aadan\‫آدم‬, siduu Jalaalu Al Diini\‫ جالل الدين‬u wariyay.
Al Baydaawii-na\‫ البيهقي‬wuxuu yiri:
"Waa sanduuqa ay Tawraaddu\‫( التوراة‬kitaabka Nabi Muuse Calayhissalaamu lagu soo dejiyay)
ku iirtay, wuxuuna ka samaysnaa qoriga geedka al shimshaaru‫ الشمشار‬, oo dahab lagu dheehay,
cabbirkiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhererka ah iyo laba diraac (waa isla dhudhun) oo
ballaca ah." Intaasuu ku egyahay warka Al Baydaawii\‫البيضاوي‬.
Al Sakiinatu\‫ السكينة‬waa xasilloonida iyo degidda wadnaha, oo sanduukhaas laga helo. Waxaa
kaloo la yiri: al sakiinatu waa dabayl khafiif ah oo leh waji u eg wajiga dadka, waxaana sidaas
Calii\‫ علي‬uga wariyay ibnu Jariir\‫إبن جرير‬.
Wuxuu Mujaahid\‫ محاهد‬intaas ku daray:
"Oo leh madax la mid ah madaxa yaanyuurta ama mukulaasha".
Ibnu Abii Rabiic\‫ إبن أبي ربيع‬wuxuu ku kordhiyay inuu Anas\‫ أنس‬yiri:
"Labadeeda indhoodna waxay leeyihiin shucaac, oo ah kaah."
Abuu Al Shaykh\‫ أبو الشيخ‬wuxuu isaguna ku kordhiyay:
"Markay labada ciidan kulmaan, waxay soo bixisaa labadeeda gacnood. Markaasey ayaga
dhugataa. (waa ciidanka gaalada): markaasuu, ciidanku argagaxaa, oo markaas la jebiyaa."
Ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬wuxuu wariyay, siduu, u wariyay Saciid bin Mansuur\‫سعيد بن منصور‬, ugana,
wariyeen isnaad saxiix ah Al Saddiyyi Al Kabiir\‫ السدي الكبير‬inuu Qawlka Ilaahay Tacaalaa ee ku
sugan Aayadda laba boqol iyo sideed iyo afartan ee Suuratu Al Baqarah;
ِ ِ
ِ ِ
‫ون‬
َ ‫وسى َوَآ ُل َه ُار‬
َ ‫َسك َينةٌ م ْن َرِّب ُك ْم َوَبقَّيةٌ م َّما تََر َك َآ ُل ُم‬
)352(
"Fiihi sakiinatun min Rabbikum(148)",
oo macnneheedu yabay:
ِ ‫وت ِف‬
ِِ
‫يه‬
َ َ‫َوق‬
ُ ‫َن َيأْتَِي ُك ُم التَّ ُاب‬
ْ ‫ال لَهُ ْم َنبِيُّهُ ْم إِ َّن آ ََيةَ ُمْلكه أ‬
ِ
ِ ِ
ِ
ِ
‫ين‬
َ ‫تَ ْحملُهُ اْل َم ًَلئ َكةُ إِ َّن في َذل َك َْلََيةا لَ ُك ْم إِ ْن ُك ْنتُ ْم ُم ْؤ ِمن‬
184
"Ay ku jirto xasilloonida Rabbigiin(148)", uu yiri: "Waa baaquli dahabka Jaanada laga sameeyey
oo quluubta Anbiyada lagu dhiqi jiray."
Xikmada ku jirta in qalbigiisa muqaddaska ah Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam khaatam lagu ebyay
Haddaad weydiiso oo aad tiraahdid:
"Maxay tahay xikmada ku jirta in qalbigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, muqaddaska ah
khaatim lagu aaburay oo lagu xiray?"
Jawaabtu waxaa weeye inay taasi tilmaan u tahay in isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Anbiyada lagu gunaanaday.
Waxayna sidaas noqoneysaa haddii khaatimku wax isaga u gaar ah yahay.
Haddiise la wariyo inuusan isaga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, gaar u ahayn, balse uu Nabi
walba lahaa, waxay xikmadu ahaaneysaa inuu khaatimka yahay calaamad Nabiga, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam, ka sooceysa dadka intiisa kale ee aan Nabi ahayn.
La miisaamiddiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ummaddiisa
Miisaamidda uu Malaggu leeyahay la miisaan toban, boqol iyo kun ummaddiisa ka mid ahna ma
aha miisaanka runta ah oo wax lagu miisaamo oo inta rodol ama kiilo oo uu qofka culayskiisu
yahay la cabbiro, ee waa barbar dhigid fiicnaanta iyo fadliga.
In kastoo Al Shaamiyyu\‫ الشامي‬uu wariyay Xadiithkiisa: "Kaddibna wuxuu ku yiri inuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫ فجعلت أنظر إلى األلف فوقي أشفق أن يخر على بعضهم‬.‫"زنه بألف فوزنوني فرجحتهم‬
"Zinhu bi alfin fa wazanuunii fa rajaxtuhum. Fa jacaltu anthuru ilaa al alfi fawqii ashfaqu
an yakhirra calayya bacduhum",
oo macneheedu yahay:
"La miisaan kun Markaasey ila miizaameen. Markaasaan ka culusaaday. Markaasaan fiirinayay
kunkooda (oo gacanta kale ee miisaanka saaran) oo iga korreeya (oo isagaa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka culusaaday oo gacanta miisaanka oo uu saaranyahay ayaa culayskiisa hoos
ula degtay), anigoo ka baqaya, inay qaarkood igu soo kor dhacaan."
Faa'iidada ku jirta ficilka Malaa'igtaas, oo ah oraahdooda "ku miizaama" intaasoo nin oo
ummaddiisa ka mid ah iyo ku miisaankoodaba, waxaa weeye inuusan axadna, haba ahaato
ummadda wadarteedee, uusan ka fadli badnaan karin khalqiga Ilaahay Tacaalaa kan ugu khayr
badan, iyo inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu arrinkaas arko uu dadka u
sheego, dadkuna uu rumaysto, ayadoo uu amarkaani caqiidada ka mid yahay.
185
Guriga Xaliimah Al Ssacdiyah\‫حليمة السعدية‬: qolkaas ku oolli jiray dhulkaan ay dhagaxdu ku
wareegsan tahay ayuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku
noolaa shanta sano oo adduunkaan ugu horreysey. Kaddib masjid ayaa laga dhigay. Masjidka
waxaa la dumiyay 1401 Hijriga dibna looma dhisin. Xasanwali 1432H/2011
186
Tuulada Xaliimah Al Ssacdiyah‫ حليمة السعدية‬maanta oo la yiraahdo “Al Dahaasiin\‫”الدهاسين‬,
waxayna ku taalla dhinaca kore ee buurta, zamankii Xaliimah-na tuuladu waxay ku tiillay
dhinaca gaaban ee buurta. Magacda tulladu way is bedebeddeleen oo waxaa la oran jiray mar “Al
Qarnu"‫”القرن‬, marna “Al Quraynu\‫”القرين‬, iyo magic kaleba. Xasanwali 1432H/2011M
187
Waadiguu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ariga ku raacay iyo xagga bidix
Waadi Al Malakayni"‫ "وادي الملكين‬oo laabtiisa ay labada malag ku dhanbaleen. Waadigaas
laabtiisa Shariifka ah lagu dhanbalay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa
la yiraahdaa: Waadi Al Malakayni” "‫“ "وادي الملكين‬Waadiga Labada Malag”. Waxaan taaganahay
guriga Xaliimah Al Ssacdiyah dhiniciisa buurta dusheeda. Xasanwali 1432H/2011M.
Afar goor ayaa laabtiisa, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, la dhanbalay
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laabtiisa afar gooor ayaa la dhanbalay.
Afartaas goor iyo xikmada mid walba ku dambeysana waa kuwaan:
Marka koowaad
Marka koowaad waxaa laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la dhanbalay, sidaan usoo
aragnay, isagoo afar jir ah, oo la deggan Xaliimah Al Sacdiyyah \‫حليمة السعدية‬, kuna sugan arliga
qabiilka Hawaazin\‫هوازن‬.
Xikmada dhanbalidda laabtiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
markaan koowaad
Xikamada dhanbaliddaas ka dambeysana waxaa weeye in la daahiriyo, oo xinjirta sadka
shaydhaanka ah laga soo bixiyo oo la tuuro, si uusan shaydhaan sad ugu yeelan, si uu daahir uga
188
noqdo xaaladaha caruurnimada, oo waxa caruurta ka dhaca ayan isaga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, uga dhicin.
Waa karaamayn uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ku karaameynayo, ayadoo laga soo gooyey cad
jirka dadka ka mid ah, sidaasna uu aad uga kor maray. Taas ayaa u sabab ah in isagoo, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, caruur ah uu u yeeshay tilmaamaha ragga, uuna ku koray xaaladaha
ugu kaamilsan iyo cismada, waa ilaalintee Ilaahay. Sidaas ayuu yiri Al Callaamah Al
Subkii‫العالمة السبكي‬.
Marka labaad
Waxaa la wariyay in marka labaad oo laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la dhanbalay
ay ahayd isagoo toban jir ah, ama meelahaas. Waxaa qisada markaan labaad wariyay Abuu
Nucaym\‫أبو نعيم‬, oo kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬, ku wariyay, siday u wariyeen
Cabdu Allaahi bin Axmad\‫ عبد هللا بن أحمد‬oo ku wariyay Zawaa'idu Al Musnad‫زوائد المسند‬, ayna u
wariyeen ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬iyo Al Xakiim\‫ الحكيم‬iyo ibnu Casaakir‫ إبن عساكر‬iyo Al
Diyaa'u\‫ الضياء‬oo ku wariyay Al Mukhtaarati\‫المختارات‬.
Waxay dhammaantood ka wariyeen Ubayya bin Kacb \‫ أبي بن كعب‬inuu Abuu Hurayrah\‫أبو هريرة‬
yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, waa maxay waxay amarka Nabinnimadu ku bilaabatay?" Wuxuu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
:‫ "أهو هو؟" قال‬:‫ يقول أحدهم لصاحبه‬،‫"إني لفي صحراء إبن عشر حجة إذ أنا برجلين فوق رأسي‬
‫ وثياب لم أرها على‬،‫ وأرواح لم أجدها من خلق قط‬،‫" فأخذاني فاستقبالني بوجوه لم أرها لخلق قط‬.‫"نعم‬
:‫ فقال أحدهم لصاحبه‬.‫ الأجد ألخذهما مسا‬،‫ فأقبال إلي يمشيان حتى أخذا كل واحد منهم بعضدي‬.‫خلق قط‬
.‫" ففلقا فيما أرى بال دم وال وجع‬.‫ "أفلق صدره‬:‫ (وفي لفظ) "فقال أحدهما لصاحبه‬.‫" فأضجعاني‬.‫"أضجعه‬
،‫" فشق قلبي‬.‫ "شق قلبه‬:‫ ثم قال‬.‫ واآلخر يغسل جوفي‬،‫فكان أحدهما يختلف بالماء في طست من ذهب‬
".‫ فأخرج شبه العلقة فنبذ به‬.‫فأخرج الغل والحسد منه‬
"Inni la fii saxraa'in ibnu cashra xijajin ith anaa bi rajulayni fawqa ra'sii, yaquulu
axaduhumaa 1i saaxibihi: "Ahuwa huwa?" Qaala: "Nacam". Fa akhathaanii fa
istaqbalaanii bi wujuuhin lam arahaa li khalqin qadh-dh, wa arwaaxin lam ajidhaa min
khalqin qadhdh, wa thiyaabin lam arahaa calaa khalqin qadh-dh. Fa aqbalaa ilayya
yamshiyaani xattaa akhathaa kullu waaxidin minhumaa bi cadudii, laa ajidu li
akh-thihimaa massan. Fa qaala axaduhumaa li saaxibihi: "Adjichu". Fa adjacaanii." (Wa
fii lafthin) "Fa qaala axaduhumaa li saaxibibi "afliq sadrahu". Fa falaqaahu fiimaa araa
bilaa damin wa la wajacin. Fa kaana axaduhumaa yakhtalifu bi al maa'i fii dhistin min
thahabin, wa al aakharu yaghsilu jawfii. Thumma qaala- "Shaqq qalbahu". Fa shaqqa
qalbii, fa akhraja al ghilla wa al xasada minhu. Fa akhraja shubha al calaqati fa nabatha
bihi. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigoo jooga. meel saxra' oo lama degaan ah, ahna toban Xajj jir, waa toban jiree, ayaa waxaan
arkay laba nin oo madaxayga korkiisa jooga, oo uu midkood saaxiibkiis ku leeyahay:
"Kanu ma isagiibaa?"
Wuxuu yiri: "Haa".
189
Markaasey i qabteen, waxayna igala soo horjeesteen wajiyo aanan ku arag khalqina ayaga
hortood, iyo arwaax aanan hore khalqi ugu arag, labbisanna dhar aanan khalqi xiran hore u arag.
Markaasey soo socdeen, oo ay xaggeyga soo aadeen, oo uu markaas midkoodba cudud
labadeyda cududood ka mid ah qabtay, anigoo xanuun iyo taabasho midna aan dareemin.
Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"jiifi".
Markaasey i jiifiyeen.
Xadiithka lafthi kalena wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Dillaaci laabtiisa".
Markaasey dillaaciyeen, anigoo u jeeda, dhiig iyo xanuun la'aan.
Midkood wuxuu biyo ka shubayey baaquli dahab ah, kan kalena uurkeyga ayuu dhaqayey.
Kaddibna wuxuu yiri:
"Qalbigiisa dhanbal".
Markaasuu qalbigayga dhanbalay, wuxuuna kasoo dhex bixiyay nacaybka iyo xaasidnimada,
wuxuuna kasoo bixiyay wax xinjir u eg oo uu tuuray."
Xikmada ku jirta dhanbalidda marka labaad
Al Shaamii\‫ الشامي‬wuxuu yiri:
"Xikmada markaan labaad ku jirta waxaa weeye inay toban jirnimadu u dhowdahay da'da
takaaliifta la isku waajibiyo, oo waxaa markaas laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo
dhanbalay, oo loo daahiriyay inayan gaarin oo uusan ku kicin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxyaalka ragga lagu ceebeeyo. Laakiin in markaanna khaatim lagu aaburay ma aanan arag wax
Xadiith ah oo wariyay. Saddexda goor oo kalese, mar walba khaatim ayaa la saarayey, siday
Axaadiith-tu u wariyeen". Intaas ayuu ku egyahay warka Al Shaamiyyu \‫ الشامي‬oo kooban.
Marka saddexaad
Marka saddexaad ee laabtiisa shariifka ah la dillaaciyay, qalbigiisana, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lasoo bixiyay, waa markuu afartan jirsaday, oo uu Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, ugu
yimid Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬, uuna Waxyiga\‫ الوحي‬u keenay.
Jibriil\‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil\‫ ميكائيل‬ayaa laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,, dhanbalay,
kaddibna uu Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri: "iqra\‫ '"'أقرأ‬ilaa shanta Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al
Calaq\‫سورال العلق‬.
Xadiithkaan waxaa wariyay Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬, iyo Axmad bin Cabdu Allaahi Al Asbahaanii
‫أحمد بن عبد هللا األسبهاني‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬.
Waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, oo, isaguna kitaabkfisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati ‫دالئل‬
\‫ النبوة‬ku wariyay, oo labadooda kitaab waa isku. magac, laakiin midka Abuu Nucaym \‫ أبو نعيم‬waa
hal mujallad, kan Al Bayhaqiina\‫ البيهقي‬waa toddoba Mujallad.
Labadooduba waxay Xadiithka ka wariyeen Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\‫أم المومنين عائشة‬,
Allaha raalli ka noqdee, oo tiri:
"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu nathray inuu bil ictikaafo, isaga iyo
khadiijah\‫خديجة‬, waxayna ku ictikaafeen hogga Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬. Markaasey bishaasu
190
waxay waafaqday bisha Ramadaan. Markaasuu habeen habeennada ka mid ah baxay. Markaasuu
(Jibriil\‫ )جبريل‬wuxuu yiri:
"Al Ssalaamu Calayka\‫"السلم عليك‬. Qaala\‫قال‬:
:‫ فقالت‬.‫ "ما شأنك؟" فأخبرتها‬:‫ فقالت‬،‫ فجئت مسرعا حتى دخلت على خديجة‬.‫"فظننت أنها فجأة الجن‬
‫ وجناح‬،‫ جناح في المشرق‬،‫ فإذا أنا بجبريل على الشمس‬.‫" ثم خرجت مرة أخرى‬.‫ فإن السالم خير‬،‫"أبشر‬
.‫ ثم وعدني موعدا‬.‫ فكلمني حتى أنست منه‬.‫ فإذا هو بيني وبين الباب‬.‫ فجئت مسرعا‬،‫ فهالت منه‬.‫بالمغرب‬
‫ فهبط جبريل وبقي ميكائيل بين‬.‫ فإذا أنا به وبميكائيل قد سد األفق‬،‫ فأردت أن أرجع‬.‫فجئت لهو فأبطأ علي‬
‫ ثم شق عن قلبي فاستخرجه ثم استخرج منه ما‬.‫ فألقاني لحالوة القفى‬،‫ فأخذني جبريل‬.‫السماء واألرض‬
.‫ ثم كفأني كما يكفأ اإلناء‬.‫ ثم ألمه‬.‫ ثم أعاده مكانه‬.‫ ثم غسله في طست من ماء زمزم‬.‫شاء هللا أن يستخرج‬
".‫ثم ختم في ظهري حتى وجدت مس الخاتم في قابي‬
"Fa thanantu annahaa faj'atu al jinni. Fa j'itu musrican xattaa dakhaltu calaa Khadiijah,
fa qaalat: "Maa sha’nuka?" Fa akhbartuhaa. Fa qaalat: "Abshir, fa inna Al Ssalaamu
khayrun". Thumma kharajtu marratan ukhraa. Fa ithaa anaa bi Jibriila calaa al shamsi,
janaaxun fii al mashriqi, wa janaaxun lahu bi al maghribi. Fa haltu minhu, fa j'itu
musrican. Fa ithaa huwa baynii wa bayna al baabi. Fa kallamanii xattaa anastu minhu.
Thumma wacadanii muwaacidan. Fa j'itu lahu, fa abdha'a calayya. Fa aradtu an arjica, fa
ithaa anaa bihi wa bi Miikaa'iila qad sadda al ufuqa. Fa habadha Jibriilu wa baqiya
Miikaa'iilu bayna Al Ssamaa'i wa al ardi. Fa akhathanii Jibriilu, fa alqaanii li xalaawati al
qafaa. Thumma shaqqa can qalbii fa astakhrajahu thumma istakhraja minhu maa shaa'a
Allaahu an yastakhrija. Thumma ghasalahu fii dhistin min maa'i zamzam. Thumma
acaadahu makaanahu. Thumma la'amahu. Thumma kafa'anii kama yukfa'u al inaa'u.
Thumma khatama fii thahrii xattaa wajadtu massa al khaatima fii qalbii. "
Xadiithka, oo ay wariyeen Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Al Dhayaalisi‫الطيالسي‬
iyo Al Xaarithu bin Muxamad al Tamiimii, al Baghdaadii‫الحارث بن محمد التميمي البغدادي‬, macnihiisu
waxaa weeye:
" Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu yiri:
"Al Ssalaamu Calayka".
Wuxuu yiri:
"Waxaanna u maleeyey inay tahay kadinta jinniga. Markaasaan soo gaddoomay si dhakhso leh,
oo aan Khadiijah‫ خديجة‬usoo galay. Markaasay waxay tiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Markaasaan u warramay.
Markaasay waxay tiri:
"Bishaareyso, oo Al Salaamu\‫ السالم‬waa khayre".
Markaasaan mar kale baxay, mase waa Jibriil\‫ جبريل‬oo qorraxda korkeeda ah, baalkiisuna uu
qorrax kasoo bax jiro, baal kaloo uu leeyahayna uu qorrax u dhac yaallo (oo Jibriil wuxuu
leeyahay lix boqol oo baal, sida Axaadithka saxiixa ah kusoo aroortay).
Markaasaan baqay oo aan ka gaddoomay, oo aan anigoo degdegaya imid. Markaasuu ila hadlay,
oo uu ila hadlayey ilaa aan (intay qaladu iga tagtay) aan weheshaday. Kaddib ballan ayuu ii
dhigay.
Markaasaan ballanka ku imid, uu isaguna iga soo daahay. Markaasaan damcay inaan iska noqdo,
mase waaba isagoo ila jooga, isaga iyo iyo Miikaa'iil, uuna ufuqa (waana intay ishu gaarto,
191
waana barta aad markaad fiirada fogeyso aad moodid inay cirka iyo dhulku isku dheggan yihiin:
taas ayaa ufuq\‫ أفق‬la yiraahdaa) daboolay.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬soo degay, Miikaa'iilna\‫ ميكائيل‬uu Samada iyo dhulka dhexdooda ku
haray.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬i qabtay oo uu xagga jeegada ii jiifiyey. Kaddibna wuxuu dhanbalay
qalbigayga, uuna lasoo baxay, kaddibna uu dhexdiisa kasoo bixiyay wuxuu Ilaahay doono inuu
kasoo bixiyo. Kaddibna wuxuu ku dhaqay baaquli biyaha zamzam ah. Kaddibna meeshiisa ayuu
dib ugu celiyay. Kaddibna wuu xiray, oo uu laabteyda isku soo celiyay.
Markaasuu i rogay oo uu i dhambacaadiyay (oo caloosha dhulka ugu seexiyay, dhabarkana kor
soo xiiiyay), sida weelasha loo rogo oo kale. Markaasuu khaatimka dhabarkeyga. dhexdiisa
yeelay, oo aan dareenka khaatimka aan qalbigayga ka dareemayaa."
Xikmada dhanbalidda marka saddexaad
Xikmada dhanbalidda markaan iyo soo bixinta qalbigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
jirtana waa sidatan: siduu Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ الحافظ إبن حجر العسقالني‬Fatxu Al
Baarii‫ فتح الباري‬ugu yiri:
"Waa kordhin karaamada loo kordhiyay, si uu Waxyiga\‫ الوحي‬u qaato qalbi xoog leh, oo
xaaladda ugu kaamilsan ee daahirnimada ku sugan."
Hoggaas, Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬, wuxuu ku yaallaa buurta la yiraahdo ‫ جبل النور‬Jabalu Al Nuur,
oo macneheedu yahay Buurta Nuurka, ayadoo uu Waxyigu kusoo degey Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo godkaas ku jira, uuna ugu yimid Malaku Jibriil,
Calayhissalaamu, uuna u keenay Quraankii ugu horreeyey oo lagu soo dejiyo, ahaana shanta
Aayadood oo ugu horreeysa Suuratu Iqra', iyo Nabinnimada iyo Rasuulnimadaba. Buurtaas
waxaa kaloo la yiraahdaa. ‫ جبل حراء‬Jabalu Xiraa'. Buurtaasu waxay badda ka korreysaa lix boqol
iyo kow iyo labaatan mitir, fiideeduna waxay salkeeda ka korreysaa laba boqol iyo kow iyo
sideetan mitir waana buur tafiddeedu ay aad u adagtahay, qofka xoog lehna wuxuu ku tafayaa
qiyaas hal saac. Godkaas afkiisu wuxuu u jeedaa xaqqa Waqooyi, marka la gelayana waxaa la
dhexmaraa labo dhagax oo afkiisa saaran, afka ballaarkiisuna uu yahay lixdan sentiimitir. Godka
dhererkiisu waa qiyaas saddex mitir, ballaciisuna meeshuu ugu fog yahayna waa hal mitir iyo
soddon sentiimitir. Godka taaggiisa korena waa laba mitir. Godku wuxuu ku filan yahay laba qof
oo wada tukanaysa, oo midkood uu midka kale daba taaganyahay. Dhanka midigta ahna waxaa
ku taalla intuu qof fadhiya ku tukado.
Jabalu Al Nuur\‫ جبل النور‬iyo Ghaaru Xiraa’\‫ غار حراء‬waxay ku yaallaan xaafadda Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ee la yiraahdo Xayyu Al Nnuuri ‫ حي النور‬oo macneheedu yahay
Degmada Nuurka.
Sababtuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoggaan u doortay
Al Imaamu ibnu abii Jamrah\‫ اإلمام إبن أبي جمرة‬wuxuu keenay su'aasha ah:
"Muxuu Nabigu. Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghaaru Xiraa'\‫ غار حراء‬inta kale uga doortay
inuu ku cibaadeysto, uuna ku kaliyeysto?"
Imaamku wuxuu uga jawaabay sidatan:
"Wuxuu Al Musdhafaa\‫ المصطفى‬ugu gooni yeelay oo uu ku doortay inuu Ghaaru Xiraa'\‫ غار حراء‬,
leyahay saddex. waxyaalood oo aan lala wadaagin daraadood, oo kala ah:
192
(Kow) Wuxuu ka gudban yahay cagta dadka, oo markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dadka is dhex geli mayaan oo cibaadeysigiisa ayuu u keli noqonayaa.
(Labo) Qofka godkaas gala, oo ku keliyeysta, dareenkiisa oo idil ayaa kulmay, oo si taam ah
ayuu u cibaadeysan karaa, oo wax ka jeedinayaa ma jiraan.
(Saddex) Markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu si toos ah ugu jeedaa
Guriga Rabbigiis (Kacbada), ayadoo uu wajiga albaabka kasoo horjeeda oo ku bewegan oo
hoggu uu leeyahay jeex dheer oo ku beegan Kacbada (fiiri masawirkeyga anigoo hogga ku dhex
jira: waxaa dhabarkayga ah oo kuu muuqda jeexa Kacbada looga jeedo).
Fiirinta Kacbaduna waa cibaadeysi, sida uga sugnaatay Xadiithka ah:
"‫"أن هللا ينزل عليه عشرين رحمة‬
" Inna Allaaha yanzilu calayhi cishriina raxmatan", oo macnihiisu yahay: "Qofka Kacbada
dhugta Ilaahay wuxuu kusoo dejiyaa korkiisa labaatan raxmo."
Sidaas ayay Ghaaru Xiraa'\‫ غار حراء‬saddex cibaadeysi ugu kulmeen:
(Kow) ‫ الخلوة‬Al Khalwatu, oo ah u firaaqoobid Rabbigiis iyo dadka laftiisa oo laga firaaqoobo.
(Labo) ‫ التحنث‬Al Taxannuthu, oo ah ka fogaanshaha dambiga, oo al xinthu waa dambiga,. Marka
waa al tacabbudu, ayadoo uu cibaadeysigu dambiga suuliyo oo uu raadtiro.
(Saddex) ‫ النظر الى البيت‬Al nathru ilaa Al Bayti, oo ah fiirinta Kacbada.
God kale oo ay saddexdaas ku kulmeenna ma jiro.
Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫ عبد المطلب بن هاشم‬ayaa ugu horreeyey qof
Xiraa’u\‫ حراء‬ku cibaadaysta
Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashi\‫ عبد المطلب بن هاشم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiis, ayaa ahaa kan ugu horreeya oo Xiraa'\‫ حراء‬ku cibadeysta. Nabiguna,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu godkaas geli jiray Nabinnimada ka hor iyo kaddibba,
intay ahayd zamanka fatrada Waxyiga, oo ahayd qiyaas saddex sano ama meelahaas, kana
bilaabata billbashada Waxyiga iyo markuu Jibriil, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam,
Nabinnimada iyo Rasuulnimada godkaas ugu keenay, shanta Aayadood ee Suuratu Al
Calaqna\‫ سورة العلق‬u keenay.
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xiraa'‫ حرا‬geli jiray bisha Ramadaan\‫رمضان‬,
oo ay Quraysh\‫ قريش‬Islaamka hortiis waynayn jirtay. Quraysh Caashuuraa'-na\‫ عاشوراء‬way
soomi jirtay. Wa li Allaahi darru al imaamu, al qudwatu, al waacith, al mufassir, al faqiih ‫وهللا الدر‬
‫ الفقيه‬،‫ المفسر‬،‫ الواعظ‬،‫ القدوة‬،‫اإلمام‬, suufiga ah Cabdu Allaahi bin Muxarnmad Al Qurayshiyyi Al
Murjaanii\‫عبد هللا بن محمد القرشي المرجاني‬, laguna dilay Tuunis\‫ تونس‬sanadka lix boqol iyo sagaal,
markuu fadaa'isha Xiraa'‫ حراء‬ka warramay, gabayna uu ka tiriyay, uuna yiri:
.‫فكم من أناس من حال حسنه تاهوا‬/‫تأمل حراء في جمال محياه‬
.‫يفرج عنه الهم في حال مرقاه‬/‫فمما حوى من جاء لعلياه زائرا‬
.‫وفيه له غار له كان يرقاه‬/‫به خلوة الهادي الشفيع محمد‬
.‫وفيه أتاه الوحي في حال صبراه‬/‫وقبلته للقدس كانت بغاره‬
‫ باهلل في وقت البداية سواه‬/‫وفيه تجلى الروح بالموقت الذي‬
.1
.7
.3
.4
.5
193
.‫ومن بعد هذا إهتز بالسفل أعاله‬/‫ وتحت تخوم األرض في السبع أصله‬.6
.‫للطور تشظظ فهو إحدى شظاياه‬/‫ ولما تجلى هللا قدس ذكره‬.2
.‫كذا قد أتى في نقل تاريخ مبداه‬/ ‫ ومنها ثبير ثم ثور بمكة‬.2
.‫فعيرا وورقان وأحدا رويناه‬/‫ وفي طيبة أيضا ثالث فعدها‬.9
".‫ "من دعانا أجبناه‬:‫به وينادى‬/‫ ويقبل في ساعة الظهر من دعا‬.11
.‫أتى ثم قابيل لهابيل غشاه‬/‫ وفي أحد األقوال في عقبة حراء‬.11
‫من التبر إكسيرا يقوم سمعناه‬/‫ ومما حوى سرا حوته سخوره‬.17
.‫وأسمعته جمعا فقالوا سمعناه‬/‫ سمعت به تسبيحها غير مرة‬.13
/‫ به مركز موضع النور الذي مثبتا‬.‫ فلله ما أحلى مقاما بأعاله‬.14
1. Ta'ammal Xiraa'a fii jamaali maxyaahu
Fa kam min unaasin min xulaa xusnihi taahuu.
2. Fa mimmaa xawaa man jaa'a li culyaahu zaa'iran
Yufraju canhu al hammu fii xaali marqaahu.
3. Bihi khulwatu al Haadii Al Shafiici Muxammadu
Wa fiihi lahu ghaarun lahu kaana yarqaahu.
4. Wa qiblatuhu lil Qudusi kaanat bi ghaarihi
Wa fiihi ataahu Al Waxyu fii xaali sabraahu.
5. Wa fiihi tajallaa Al Ruuxu bi al mawqiti allathii Bi Allaahu fii waqti al bidaayati sawaahu.
6. Wa taxta tukhuumi al ardi fii al sabci asluhu
Wa min bacdi haathaa ihtazza bi Al sufli aclaahu.
7. Wa lammaa tajallaa Allaahu Qaddasa Thikruhu
Li Dhuuri tashath-thaa fa huwa ixdaa shathaayaahu.
8. Wa minhaa Thabiiru Thumma Thawru bi Makkata Kathaa qad ataa fii naqli taariikha
mabdaahu.
9. Wa fii Dhiibata aydan thalaatha fa cud-haa:
Fa Ciiran wa Waraqaanan wa Uxudan rawaynaahu.
10. Wa yuqbalu fii saacati al thuhri man dacaa
Bihi wa yunaadaa: "Man dacaanaa ajabnaahu" .
I1.Wa fii axadi al aqwaali fii caqabati Xiraa'
Ataa thumma Qaabiilu li Haabiila ghashaahu.
12. Wa mimmaa xawaa sirran xawat-hu sukhuuruhu Mina al tabri iksiiran yaqaamu samicnaahu.
13. Samictu bihi tasbiixahaa ghayra marratin
Wa asmactuhu jamcan fa qaaluu samicnaahu.
14. Bihi markazu mawdicu Al Nuuri Al Ilaahii muthbitan
Fa li Allaahi ma axlaa maqaaman bi aclaahu.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
Tafidda Jabalu Al Nnuur‫جبل النور‬/jabalu Xiraa’u‫ جبل حر\اء‬hammiga iyo kurbadaa ayaa faraj
looga furaa
Kow. Dhaag Xiraa'‫ حراء‬quruxda wajigiisa/intee dad ayaa aragtida iyo ku macaansiga aragsamida
quruxdiisa ku wareeray.
Laba. Waxa gudihiisa ku sugnaadayna waxaa ka mid ah qof meeshaas korreysa ugu yimid
isagoo soo booqday, isagoo doonaya inuu ka barakaysto, ayadoo uu halkaas ku sugnaaday Al
194
Musdhafaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Illaahay wuxuu faraj uga furayaa kulli
hammigiisa iyo kurbada haysa qofka tafaya buurtas.
Saddex. Hoggaas, oo ku yaalla fiidda Buurta Xiraa'‫ حراء‬, fadligiisu yahay inuu ku keli ahaansan
jiray -waa khalwah- Al Haadii\‫الهادي‬, oo ah kan wax hanuuniya, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Al Shafiicu Muxammadun\‫الشفيع محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna ku
khalwoon jiray Nabinnimada horteed iyo dabadeedba, qiyaas saddexdii sano oo uu Waxyigu ka
go'ay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lana yiraahdo waqtiga fatrada, oo fatara waxaa weeye
waa go'ay/Kaasoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurtaas ku leh hog, uuna tafi jiray
buurtaas.
Afar. Qibladiisuna waxay ahayd Qudus\‫ القدس‬intuu Ghaarkiisa -hoggiisa- ku jiray (taasoo in fiiro
loogu laabto u baahan, ayadoo uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qudus ay Qiblo u noqotay
habeenka la dheelmiyay oo Salaadda lagu fardi yeelay, markaas ka horna ay Qibladiisu , Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada ahayd)/Isaga dhexdiisuuna Jibriil Waxyiga ugu keenay,
isagoo ku sugan xaaladda uu naftiisa keli ahaanshaha iyo cibaadeysiga ku xabbisay, oo uu ku
sabray.
Shan. Dhexdiisuuna Jibriil\‫ جبريل‬iskugu muujiyay, mawqifka uu/Ilaahay bilawga u suubiyay.
Lix. Asalka Xiraa'na‫ حراء‬wuxuu ku sugan yahay arliga toddobaad oo toddobada arli ugu
hooseeya/Markaasuu kaddib kuwa fiiddiisa saaran la gariiray, kaddib markuu asalkiisa hooseeya
gariiray. Tixduna waxay waafaqsantahay Xadiithka Muslim\‫ مسلم‬ka wariyay Abuu
Hurayrah\‫ أبوهريرة‬inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurta Xiraa'‫حراء‬
saarnaa, isaga iyo Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo Calii‫ علي‬iyo
Dhalxah\‫ طلحة‬iyo Al Zubayr.\‫ الزبير‬Markaasey buurtu gariirtay. Markaasuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu buurta ku yiri:
‫ أو صديق أو شهيد‬،‫ فما عليك إال نبي‬،‫أسكن حراء‬
"Askun Xiraa'a, fa maa calayka illaa Nabiyyun, aw Siddiiqun aw Shahiidun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Xasil Xiraa'ow‫ حراء‬, oo korkaaga ma aha waxaan ahayn Nabi iyo runlow (waana Abuu Bakar
Al Siddiiq\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee) iyo Shahiid\‫( شهيد‬oo intooda kalena waxaa
lagu dilay shahiidnimo)."
Qisadaas mid la mid ahna waxay ka dhacday ayaduna buurta Uxud\‫ أحد‬dusheeda iyo buurta
Thabiir\‫ ثبير‬dusheeda.
Waxayna ka mid yihiin muxjizooyinka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waana Xadiithka lix kun laba boqol sideed iyo afartan ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
Burburka buurta Synaa’\‫ سيناء‬iyo gaballadayda duulay buuraha ka dhashay
Toddoba. Markuu Ilaahay, Qaddasa Thikruhu\‫ هللا قدس ذكره‬-xusidda Magaciisu Daahir ha
ahaatee- in la mid ah nuska foodda far yarada (waa wax u dhigmee), siduu u xusay Xadiithka uu
Al Xaakimu\‫ الحاكم‬saxiixa ka dhigay, uu buurta Siinay‫ سيناء‬ee dalka Masar\‫ مصر‬ku taalla u
muujiyay, buurtu way burburtay. Jajabkeeda qaar ka mid ahna way kala duuleen, oo ay
gaballadaas duulay buuro kale noqdeen. Marka buurta Jabalu Xiraa'‫ حراء‬waa gabal ka mid ah
gaballadiisa. Gaballada buurtaas burburtay ka kala duulay waxaa ka mid ah buurta ‫ جبل ثبير‬jabalu
Thabiir, oo kasoo horjeeda Xiraa'\‫حراء‬, waxaana labadooda u dhexeeya waadi, labadooduna
195
waxay isku dhinac uga yaallaan, waana dhinaca bidixeed, dariiqa qofka inta Kacbada ka baxa
Mina\‫ منى‬u socda. Waxaa kaloo gaballadaas kasoo duulay buurta Dhuur\‫ جبل الطور‬ka askuntay
buurta ‫ جبل ثور‬Jabalu Thawr, oo isaguna buuraha Makkah\‫ مكة‬ka mid ah, kuna yaalla xaafadda
hadda la yiraahdo ‫ حي الهجرة‬Xayuu Al Hijrah, oo ah xaafadda Hijrada.
Buurtaan dusheeda waxaa ku yaalla hog la yiraahdo ‫ غار ثور‬Ghaaru Thawr, waana godka uu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Makkah\‫ مكة‬ka haajiray, isagoo uu
wehliyo saaxiibkiis Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫أبوكر الصديق‬, uu galay, ayna afkiisa caaradu guri ka
dhisatay, qoollayduna ay afkiisa ukun dhigatay, oo markay sidaas arkeen ay gaaladii raadkooda
ku jiray isaga noqdeen. Qofka buurtaan dusheeda saaran, buurta Xiraa'‫ حراء‬way u muuqataa, iyo
caksigaba.
Sideed. Waxaana gaballada soo duulay ka mid ah buurta ‫ جبل ثبير‬Jabalu Thabiir, oo aan kasoo
warrannay, kaddibna Thawr\‫ثور‬, oo aan soo aragnay, oo Makkah\‫ مكة‬ku yaalla/Sidaas ayaa lagu
soo wariyay inuu Xiraa'‫ حراء‬bilowgiisu ahaa.
Buurta Cayr \‫عير‬ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku taalla
Sagaal. Dhiibana ‫طيبة‬, oo ah Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, waxaa ku yaalla saddex
buurood, oo ayaguna gaballadaas soo duulay ka mid ah, ee tiri: /buurta ‫ جبل عير‬Jabalu Cayr,
ahna buruta uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri, siday Al Bazzaar
iyo ghayrkiisba u wariyeen:
".‫ وإنه على باب من أبواب النار‬،‫"وعير يبغضنا ونبغضه‬
"Wa Cayru yabghadunaa wa nabghaduhu, wa innahu calaa baabin min abwaabi Al
Nnaari".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Cayr-na\‫ عير‬waa na neceb yahay, annaguna isaga waan necebnahay, isaguna wuxuu ku yaallaa
albaab ka mid ah albaabada Naarta."
Riwaayadu kale waxay ku sheegeen buur kale, sida ‫ جبل رضوى‬Jabalu Radwaa, oo ah buur Al
Madiinah\‫ المدينة‬ku taalla, siduu Al Baghawii\‫ البغوي‬u wariyay iyo Al Qudus\‫القدس‬, oo uusan
buurtaas aan necebnahay ahayn.
Buurta Wariqaan\‫ ورقان‬ee Al Madiinah Al Munwaaraah\‫ المدينة المنورة‬agteeda ku taalla
Iyo buurta ‫ جبل ورقان‬Jabalu Wariqaan, oo ah buur madow oo ku taalla meel u dhexeysa ‫ العرج‬Al
Caraj iyo ‫ الرويثة‬Al Ruwaythata, midigtana ka qabaneysa qofka Al Madiinah\‫ المدينة‬ka yimid
oo Makkah\‫ مكة‬u socda, Allaha Wayni labadoodaba cadawga ha ka ilaaliyee.
Buuraha Jabalu Uxud\‫أحد‬, Radwaa\‫رضوى‬, Thawr\‫ثور‬, Thabiir\‫ ثبير‬iyo Xaraa’u\‫حراء‬
Waxaa kaloo burburkaas soo faniinay ka mid ah buurta ‫ جبل أحد‬Jabalu Uxud, waana buurta
caanka ah oo Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku taalla, uuna Al Musdhafaa\‫المصطفى‬,
Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, ka yiri:
196
".‫"أحد جبل يحبنا ونحبه‬
"Uxud jabalun yuxibbunaa wa nuxibbuhu",
oo macneheedu yahay:
"Uxud\‫ أحد‬waa buur annaga na jecel, annaguna aan ayada jecel nahay."
Sidaas ayaanna u warinnay: Al Waaxidii\\‫ الوحدي‬wuxuu Anas ka wariyay inuu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
.‫ ورضوى‬،‫ وورقان‬،‫ أحد‬:‫ فوقعت ثالثة بالمدينة‬.‫ طار لعظمته ستة أجبل‬.‫"لما تجلى ر به للجبل جعله دكا‬
.
".‫ وحراء‬،‫ وثبير‬،‫ووقع بمكة ثور‬
"Lammaa tajallaa Rabbuhu lil jabali jacalahu dakan. Dhaara li cathamatihi sittatu
ajbulin. Fa waqacat thalaathatun bi Al Madiinati: Uxudun, wa Wariqaanu, wa
Radwaa. Wa waqaca bi Makkata Thawrun, wa Thabiirun, wa Xaraa'u."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu Rabbigiis isku muujiyay buurta, wuxuu ka yeelay burbur, oo ay Cathiimnimadiisa
daraadeed ay lix buurood u duuleen. Markaasey saddex waxay ku dheceen Al Madiinah \‫المدينة‬,
oo kala ah Uxud\‫ أحد‬iyo Wariqaan\‫ ورقان‬iyo Radwaa\‫رضوى‬. Makkana\‫ مكة‬waxaa ku dhacay
saddex, oo kala ah Thawr\‫ ثور‬iyo Thabiir\‫ ثبير‬iyo Xiraa"‫ حراء‬.
Al Baghawii\‫ البغوي‬markuu wariyay Xadiithkaan wuxuu ka yiri:
"Tafaasiirta qaarkoodna waxay wariyeen: markaasuu Xadiithkaan xusay."
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬Xadiithkaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor uguma
uusan qaadin. Waxaana Xadiithka wariyay ibnu abii Xaatim\‫أبي حاتم‬, oo ka wariyay abii Maalik
‫أبي مالك‬, oo kor Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu qaaday, waana wax lala yaabo,
isagoo uu Xadiithku Mursal yahay. Burburidda buurtaas waxay ku xusantahay Aayadda boqol
iyo saddex iyo afartan ee Suuratu Al Acraaf\‫سورة األعراف‬, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
ِ
ِ
ِّ ‫ال َر‬
‫استَقََّر‬
َ َ‫ب أ َِرنِي أ َْنظُ ْر إِلَ ْي َك ق‬
َ َ‫َو َكلَّ َمهُ َربُّهُ ق‬
ْ ‫ال لَ ْن تََراني َولَك ِن ْانظُ ْر إِلَى اْل َجَب ِل فَِإ ِن‬
َّ
ًّ
ِ ِ
‫ت إِلَْي َك َوأ ََنا‬
َ َ‫اق ق‬
َ َ‫ص ِعقاا َفلَ َّما أَف‬
ُ ‫ال ُس ْب َح َان َك تُْب‬
َ ‫وسى‬
َ ‫تَ َجلى َربُّهُ لْل َجَبل َج َعلَهُ َدكا َو َخ َّر ُم‬
‫وسى لِ ِميقَاتَِنا‬
َ ‫اء ُم‬
َ ‫َولَ َّما َج‬
‫ف تََرانِي َفلَ َّما‬
َ ‫َم َك َانهُ فَ َس ْو‬
ِ
‫ين‬
َ ‫أ ََّو ُل اْل ُم ْؤ ِمن‬
"Fa lammaa tajallaa Rabbuhu Illjabali jacalahu dakkan(143)",
oo macneheedu yahay:
"Markuu Rabbigiis (waana Nabi Muuse\‫ )موسى‬isu Muujiyay buurtii, wuxuu ka yeelay
burbur(143)."
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa ku yiri, mana aha Xadiith fiyow:
197
‫ ووقعت ثًلثة‬، ‫ أحد وورقان ورضوي‬: ‫ صار لعظمته ستة أجبل وقعت ثًلثة بالمدينة‬: ‫ووقع في تعض التفاسير‬
.‫بمكة ثور وثبير وحراء‬
Toban. Waana la aqbalaa ducada qofka ku ducaysta saacadda duhurka dhexdiisa/Waxaana loogu
dhawaaqaa oo lagu yiraahdaa:
"Qofka na baryay waan ka aqbalnay baryadiisa, wuxuu rabayna waan siinnay".
Salka Buurta Xiraa’u\‫ حراء‬ayuu Qaabiil\‫ قابيل‬walaalkiis Haabiil\‫ هابيل‬ku dilay
Kow iyo toban. Warinna waxay sheegtay inuu ‫ قابيل‬Qaabiil ina Aadan\‫ آدم‬meesha Ghaaru Xiraa'
‫ حراء‬laga tafo uu walaalkiis ‫ هابيل‬Haabiil ugu yimid, oo uu halkaas ku dilay.
Al Thaclabii\‫ الثعلبي‬wuxuu yiri:
"Haabiil\‫ هابيل‬maalinta la dilay wuxuu ahaa labaatan jir".
Waana la isku khilaafay sida iyo meesha Haabiil\‫ هابيل‬lagu dilay. Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas
‫ عبد هللا بن عباس‬wuxuu yiri:
"Waxaa lagu dilay dusha jabalu Thawr\‫"ثور‬.
Qaar kalena waxay yiraahdeen: caqabada -waana meesha laga koro- Xiraa'‫ حراء‬ayaa lagu dilay.
Jacfar Al Saadiq\‫ جعفر الصادق‬wuxuu yiri:
"Waxaa lagu dilay Basrah\‫ بصرة‬ee arliga Ciraaq\‫عراق‬-, Masjidka wayn dhexdiisa -waa barta ku
beegane, ayadoo uusan waagaas masjidkaasi jirin."
Intaasuu warka Al Thaclabii \‫الثعلبي‬ku egyahay.
Sababtuu Qaabiil\‫ قابيل‬Walaalkiis Haabiil\‫ هابيل‬u dilay
Al Saddiyyu\‫ السدي‬wuxuu isnaad uu isagu leeyahay ku xusay inay sababtuu Qaabiil\‫قابيل‬
walaalkiis Haabiil\‫ هابيل‬u dilay ay ahayd inuu Aadan\‫ آدم‬wiil kasta oo uu dhalay u guurin jiray
gabar ayan isku calool ahayn, calool kalese ka dhalatay -ayadoo ay Xaawo\‫ حواء‬mar walba wiil
iyo gabar mataano ah dhali jirtay-. Mataanta Qaabiil\‫ قابيل‬ayaa waxay ka quruxsamayd mataanta
Haabiil\‫ هابيل‬oo magaceedu ahaa ‫ لبودى‬Laboodaa. Markaasuu Qaabiil\‫ قابيل‬wuxuu damcay inuu
walaashiisa ay isku caloosha yihiin oo quruxsamayd magaceeduna ahaa ‫ ألقيما‬Alqeemaa isagu
guursado.
Markaasuu Aadan‫ آدم‬u diiday. Markuu Qaabiil\‫ قابيل‬arrinkaas ku adkaystay, wuxuu Aadan\‫آدم‬
labadiisa wiil amray inay qurbaan Ilaahay u bandhigaan, oo kii qurbaankiisa Ilaahay uu aqbalo
uu gabadhaas guursanayo.
Markaasuu Qaabiil\‫ قابيل‬wuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay xirmo zarac ah oo xun, waa
haruuree, oo uu beertiisa kasoo gooyey, isagoo beeraaley ahaa.
Haabiilna\‫ هابيل‬wuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay wan buuran, isagoo xoolaaley ahaa.
Markaasaa waxaa cirka kasoo degay dab loo jeedo, oo qurbaanka Haabiil\‫ هابيل‬cunay, kii
Qaabiilna\‫ قابيل‬ka tegey, taasoo ah inuu Ilaahay qurbaanka Haabiil\‫ هابيل‬aqbalay, kan Qaabiilna
\‫ قابيل‬uusan aqbalin. Taas ayay ahayd sababta labadooda dhex martay.
198
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku yiri:
"Taas weeye midda canka ah".
Qaabiil\‫ قابيل‬wuxuu Haabiil\‫ هابيل‬ka weynaa laba sano.
Laba iyo toban. Waxa gudihiisa -waa Ghaaru Xiraa'‫ حراء‬- ku jira waa sirta dhagaxdiisa ku
jirto/Oo ah dahab iyo qalin iyo macaadin la dhalaalinayo, si kiimikada waafaqsan. Sidaas ayaan
maqalnay, oo aan ghayrkeen kasoo guurinnay, waxaana taas runnimadeeda rumaynaya:
Saddex iyo toban. Inaan anigu godka Xiraa'‫ حرا‬ka maqlay tasbiixda dhagaxdiisa -oo leh
Subxaana Allaahi\‫سبحان هللا‬- in mar ka badan/Waxaanna tasbiixdaas maqashiiyey koox rag ah,
oo markaasey waxay yiraahdeen: "Annaguna dhegeheenna ayaan tasbiixdiisa ku maqalnay".
Afar iyo toban. Xiraa'‫ حرا‬waxaa ku sugan bartuu Nuurka Ilaahay ku sugnaaday/Marka Ilaahay
ayaa iska leh barta macaaneeyey joogiddeeda oo fiideeda ah -waa Xiraa'e‫ حراء‬.
Oo buurtana waxaa la yiraahdaa Jabalu Xiraa'‫ حرا‬, fiideedana waxaa ku yaalla hog la yiraahdo
Ghaaru Xiraa'‫ حراء‬. Godka laftiisana waxaa la yiraahdaa, haddii la doono, Jabalu Xiraa'‫ حراء‬.
Marka afaraad
Marka afaraad ee laabtiisa shariifka ah la dilaaciyey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa
weeye habeenka la dheelmiyay, siday u wariyeen Al Bukhaarii \‫ البخاري‬iyo Muslim‫ مسلم‬iyo
Axmad\‫ أحمد‬iyo Al Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo Al Nasaa'ii\‫النسائي‬, oo ay dhammaantood ka wariyeen
Anas bin Maalik\‫أنس بن مالك‬, oo ka wariyay Maalik bin Sacsacah\‫مالك بن سعسة‬, oo sheegay inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isaga uga warramay habeenka la dheelmiyay, uuna
yiri:
‫ فشق – ما‬:‫ سمعته يقول‬:‫ إذ أتاني آت فقد – قال‬،‫ مضطجعا‬،‫ وربما قال في الحجر‬،‫"بينما أنا نائم في الحطيم‬
– ‫ "من ثغر نحره إلى شعرته‬:‫ "ما يعني؟" قال‬:‫ (قتادة) فقلت للجارود وهو إلى جنبي‬:‫بين هذه إلى هذه – قال‬
".‫ ثم أعيد‬،‫ ثم حشي‬.‫ فغسل قلبي‬،‫ ثم أتيت بطست من ذهب مملوئة إيمانا‬،‫فاستخرج قلبي‬
"Baynamaa anaa naa'imun fii Al Xadhiimi, wa rubbamaa qaala fii Al Xijri, muddhajican, ith ataanii aatin fa qadda -qaala: samictahu yaquulu: fa shaqqa- maa bayna
haathihi i1aa haathihi -qaala (Qataadah): fa qultu li Al Jaaruudi wa huwa ilaa janbii: "Maa
yacnii?" Qaala: min thughrihi naxrihi ilaa shicratihi- Fa istakhraja qalbii, thumma utaytu
bi dhistin min thahabin mamluu'atan iimaanan, fa ghasala qalbii. Thumma
xushiya, thumma uciida ".
Xadiithkaan, oo ah Xadiithka Maalik bin Sacsacah Al Ansaarii \‫مالك بن سعسة األنصاري‬,
macnihiisu waxaa weeye:
"Anigoo hurda Al Xadhiimu\‫ الحطيم‬-Waxaanna dhici karta inuu yiri: Xijriga\‫( الحجر‬labda erayna
waa isku macne, waxayna tilmaamayaan Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬oo Kacbada ku dheggan-oo
jiifa, ayaa waxaa ii yimid mid yimaada. Markaasuu dhanbalay -wuxuu yiri: waxaan maqlay
isagoo oranaya: Fa shaqqa, oo ah wuu dhanbalay inta middaan iyo middaan u dhexeysa. Wuxuu
yiri (waana Qataadah‫قتادة‬, oo ragga Xadiithka silsiladdiisa ku jira ka mid ah): markaasaan
waxaan Al Jaaruud‫ الجارود‬oo dhinacayga fadhiya ku iri:
"Muxuu ula dan leeyahay inta la jeexay waa middaan ilaa middaan?"
199
Wuxuu yiri:
"Waa inta u dhexeysa galaw qofka dhuuntiisa ku yaalla ilaa meeshey ku yaalliin timaha
gumaarku."
Markaasuu qalbigayga soo bixiyay. Kaddibna waxaa la keenay baaquli dahab ka samaysan oo ay
iimaan iyo xikmo ka buuxaan. Markaasuu qalbigayga dhaqay, kaddibna uu iimaanka iyo
xikmada baquliga ku jira ku gaddiyay oo uu ka buuxiyay.
Kaddibna qalbiga ayuu meeshiisa ku celiyay."
Lafthikaan aan soo guurinayna waa lafthiga Al Bukhaarii \‫البخاري‬, oo ahba bilowga kitaabka
Salaadda, ee saxiixiisa.
Xikmada dhanbalidda marka afaraada
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu sheegay in xikmada ka dambeysa dhanbalidda laabtiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee markaan afaraad ay tahay sidatan:
"Markuu Ilaahay doonay inuu Isaga xaggiisa iyo hor imaadkiisa Muqaddaska ah, Nabigiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor ugu soo qaado (toddobada Samo korkooda iyo
shishadooda), halkaasoo uusan sare ugu kici karin axad aan isaguna muqaddas daahir ah ahayn,
halkaasna kor loogu qaaday, oo kale in korkiisa Salaadda lagu fardi yeelo, uuna tujiyo Malaa'igta
Samada. Amarka Salaadana waxaa ka mid ah daahirnimo. Markaasaa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, la daahiriyay, kor iyo gudaba, waxaana lagu dhaqay biyaha zamzam."
W aa intaas warka Al Suhaylii.
Marka shanaad
Waxaa la sheegay in mar shanaad laabtiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
dhanbalay, isagoo labaatan jir ah, wax daliil ahse oo sugan lama hayo.
Xadiithka Abuu\‫ أبوذر‬Tharr ee Khaatimka\‫الخاتم‬
Waxay saxiixu Muslim\‫صحيح مسلم‬, Al Dhabraanii\‫الطبراني‬, Al Xaakim\‫الحاكم‬, ibnu abii Al Dunyaa
‫ إبن أبي الدنيا‬iyo Cabdu Allaahi bin Axmad\‫ عبد َّللا بن أحمد‬ka wariyeen Abuu Tharr Al Ghifaarii ‫أبو‬
\‫ذر الغفاري‬, Allaha raalli ka noqdee, inuu yiri:
"Waxaan iri:
"Rasuulka ILaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sideebaad ku ogaatay inaad Nabi
tahay, maxaadna ku ogaatay oo aad ku yaqiinsatay?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فقال‬.‫ وكان اآلخر بين السماء واألرض‬،‫ فوقع أحدهما باألرض‬.‫ وأنا ببطحاء مكة‬،‫ أتاني ملكان‬،‫"يا أبا ذر‬
‫ "زنه‬:‫ ثم قال‬.‫ فرجحته‬،‫" فوزنني برجل‬.‫ "فزنه برجل‬:‫ "هو هو!" قال‬:‫ "أهو هو؟" قال‬:‫أحدهما لصاحبه‬
‫" فوزنني‬.‫ "زنه بألف‬:‫ ثم فال‬.‫" فوزنني فرجحتهم‬.‫ "زنه بمأة‬:‫ ثم قال‬.‫ فرجحتهم‬،‫" فوزنني‬.‫بعشرة‬
.‫" فشق بطني‬.‫ "شق بطنه‬:‫ فقال أحدهما لصاحبه‬.‫ حتى جعلوا يتثاقلون علي من كفة الميزان‬،‫فرجحتهم‬
‫ "أغسل بطنه غسل‬:‫ فقال أحدهما لصاحبه‬.‫ فطرحهما‬،‫ وعلق الدم‬،‫ فأخرج منه مغمز الشيطان‬.‫فأخرج قلبي‬
‫ وجعل الخاتم بين‬،‫" فخاط بطني‬.‫ "خط بطنه‬:‫" ثم قال أحدهما لصابه‬.‫ وأغسل قلبه غسل المالء‬،‫اإلناء‬
".‫ فكأني أعاين األمر معاينة‬.‫ ووليا عني‬،‫ كما هم اآلن‬،‫كتفي‬
200
"Yaa abaa Tharrin, ataanii Malakaani, wa anaa bi badhxaa'i Makkata. Fa
waqaca axaduhumaa bi al ardi, wa kaana al aakharu bayna Al Ssamaa'i wa al
ardi. Fa qaala axaduhumaa li saaxibihi: "A huwa huwa?" Qaala: "Huwa
huwa". Qaala: "Fa zinhu bi rajulin". Fa wazananii bi rajulin, fa rajaxtuhu.
Thumma qaala: "Zinhu bi cashratin". Fa wazananii, fa rajaxtuhum. Thumma
qaala: "Zinhu bi mi'atin ". Fa wazananii, fa rajaxtuhum. Thumma qaala:
"Zinhu bi alfin". Fa wazananii, fa rajaxtuhum, xattaa jacaluu yatathaaqaluuna
calayya min kiffati al miizaani. Fa qaala axaduhumaa li saaxibihi: "Shuqqa
badhnahu". Fa shaqqa badhnii. Fa akhraja qalbii. Fa akhraja minhu
maghmaza al sh-shaydhaani, wa calaqa al dami, fa dharaxahumaa. Fa qaala
axaduhumaa li saaxibihi: "Aghsil badhnahu ghasla al inaa'i, wa aghsil qalbahu
ghasla al mulaa'i." Thumma qaala axaduhumaa li saaxibihi: "Khidh
badhnahu." Fa khaadha badhnii, wa jacala al khaatima bayna katifayya,
kamaa huwa al aana, wa wallayaa cannii. Fa ka annii ucaayinu al amra
mucaayanatan."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Abuu Tharrow‫ يا أبا ذر‬, waxaa ii yimid laba Malag, anigoo Makkah\‫ مكة‬waadigeeda ku sugan
(riwaayada uu Al Bazzaar\‫ البزار‬Curwah\‫ عروة‬ka wariyayna, kanoo Abuu Tharr\‫ أبو ذر‬ka wariyay
erayga Makkah\‫ مكة‬kuma jiro, oo siday ibnu Isxaaq iyo ghayrkiisba u wariyeen, wuxuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la joogay markaas Xaliima Al Sacdiyyah \‫حليمة السعدية‬, joogayna
arliga qabiilkaas reer Banuu Sacd bin Bakr\‫بنو سعد بن بكر‬, ee Makkah\‫ مكة‬ma uusan joogin).
Markaasuu labadooda midkood dhulka kusoo degay, kan kalena wuxuu ku sugnaa Samada iyo
arliga dhexdooda.
Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Kanu ma isagiibaa?"
Wuxuu yiri:
"Kani waa isagii".
Wuxuu yiri:
"La miizaan nin."
Markaasuu igu miizaamay.
Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Toban la miizaan".
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Boqol la miizaan."
Markaasuu ila miizaamay, Markaasaan ka culusaaday.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Kun la miizaan."
Markaasuu ila miizaamay. Markaasaan ka culusaaday, ilaa aan ka arkay ayagoo gacanta kale ee
miizaanka, oo korreysa oo is culaysiinaya.
Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Dillaaci calooshiisa."
Markaasuu caloosheyda dhanbalay, oo uu qalbigayga soo bixiyay. Markaasuu qalbigayga wuxuu
kasoo bixiyay maghmazata al shaydhaani‫ مغمز الشيطان‬, oo ah barta uu shaydhaanku ka taabto
201
cunug kasta oo dhasha, oo uu markaas la booyo.
Bartaasi waa meesha ay ku jirto rabidda dhaqdhaqajisa shahwada minada , dhaqdhaqaaqeedana
waxaa goob joog ah shayaadhiinta.
Xadiithkaan, oo uu cilmi qiimo badan ku sugan yahay, wuxuu kaloo noo sheegayaa goorta
khaatimka meeshuu ku yaallo la dhigay, iyo sida loo dhigay iyo cidda dhigtay. Allaha cilmiga
noo kordhiyo, inaan ka mahad celinana cilmiga nala barayna na waafajiyo. Ka mahad
celintiisuna waa ku dhaqankiisa iyo gudbintiisa. Xadiithku wuxuu kaloo caddeynayaa jawaabta
su'aasha Abuu Tharr\‫أبو ذر‬, Allaha raalli ka noqdee, markuu weydiiyey: "Sidee baad ku ogaatay
inaad Nabi tahay?", oo markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay siduu
ku ogaaday.
Xikmada khaatimka Nabinnimada
Xikmada ku jirta khaatimka Nabinnimada, ayuu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬yiri, waxaa weeye:
"Xagga tixgelinta (ictibaar\‫ )إعتبار‬in marka qalbigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu
buuxiyay xikmo iyo yaqiin, ayaa waxaa loo aaburay sida weelka ay miski iyo luul ka buuxaan
loo aaburo oo kale.
Saaridda khaatimka la saarayse madaxa lafta garabkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa
inuu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, macsuum\‫ معصوم‬ka yahay, oo uu ka dhawrsan
yahay, waswaasinta shaydhaanka, oo bartaas khaatimka la saaray waa barta uu shaydhaanku
banii Aadanka ka waswaasiyo.
Maymuun bin Mahraan\‫ ميمون بن مهران‬ayaa wuxuu ka wariyay Cumar bin Cabdu Al Caziiz ‫عمر‬
‫بن عبد العزيز‬, inuu nin Rabbigiis waydiistay inuu tuso meeshuu isaga shaydhaanku ka saaran
yahay (oo waa isaga uu qof walba shaydhaan isaga ku lammaansan leeyahay, uuna kii Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku lammaansana islaamay).
Markaasaa waxaa la tusay jasad, waa qof jirkiise, oo saafi ah,oo qaruurad oo kale ah, oo
dibaddiisa gudihiisa looga jeedo, sida dhalada oo kale, uuna shaydhaanku, oo muuqaalka rakaha
ama raha oo kale leh, uu ku sugan yahay madaxa lafta ballaaran ee garabkiisa, lana siman
qalbiga ninka.
Shaydhaankaasina wuxuu leeyahay gafuur dheer oo la mid ah midka kaneecada, uuna dhex
geliyay qalbiga ninka, uuna waswaasinayo. Markaasuu hadduu addoonku Ilaahay Tacaalaa
xusuusto, shaydhaanku waa cararaa oo uu ka fogaadaa addoonka." Intaas ayuu ku egyahay warka
Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Sababta astaantaas khaatim\‫ الخاتم‬loo yiri
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu sheegay in calaamaddaas khaatimi Al Nubuwwati\‫ خاتم النبوة‬loogu
bixiyay inay ayadu ka mid tahay astaamaha ay culummada kutubbadii hore Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku aqoonsanayaan.
Taas ayaana u sabab ah inuu Salmaan Al Faarisii \‫سلمان الفارسي‬, Allaha raalli ka noqdee, kaddib
markuu hubsaday runnimada Rasuulnimadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib
markuu arkay qaar ka mid ah calaamadaha daliilka u ah, sida makaanka laga soo bixiyay oo
Makkah ah\‫مكة‬, iyo meeshuu usoo haajiray oo Al Madiinah\‫ المدينة‬ah, uu ku dadaalay inuu
hadana arko khaatimka, oo calaamadahaas ka mid ah.
Markaasuu intuu dhabarka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maray, ayuu goobay.
202
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ogaaday inuu Salmaan \‫سلمان‬
goobayo Khaatimka.
Markaasuu go’a garbaha u saarnaa uu ka qaaday. Markaasuu Salmaan \‫ سلمان‬khaatimka
Nabinnimada arkay, oo uu markaas intuu ku foorarsaday dhunkaday,oo uu yiri:
"Ash-hadu annaka Rasuulu Allaahi\‫"أشهد أنك رسول هللا‬, oo ah "Waxaan marag ka ahay inaad
Rasuulka Ilaahay tahay".
Wadaadka Baxiiraa-na\‫ بحيرى‬qisadiisa, waa isaga oranaya: "Waxaan ku aqaannaa khaatimka
Nabinnimada". Sababo kalena waa la sheegay. Khaatimkana waxaa kasoo kaahayey carafta
miskiga.
Ekaanshaha khaatimka\‫خاتم‬
Wuxuu Muslim\‫ مسلم‬Jaabir bin Samurata\‫ جابر بن سمرة‬ka wariyay inuu Xadiith uu wariyay ku
yiri:
"Khaatimkana waan arkay,oo garabkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, agtiisa ayuu ahaa,
oo le'eg ukunta qoolleyda, jirkiisana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u eg."
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu kitaabkiisa taariikhda ku wariyay, siduu u wariyay oo kale Al
Bayhaqii‫البيهقي‬, inuu khaatimku yahay hilib haraggiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hoostiisa ku jira,oo soo foocsan ama soo kuusan.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Khaatimku wuxuu ahaa sida soo foocidda hilibka ee ku harta kaddib marka qofka la toobo."
Khaatimka hareerihiisana waxaa ku yiillay dhawr tin ah oo madow. Waxaa kaloo lagu
tilmaamay inuu tufaaxa oo kale ahaa.
Waxaa kaloo lagu sifeeyey sida ruugga ceesaanta oo kale, siduu kitaabka al Istiicaabu\‫ اإلستيعاب‬u
wariyay.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim‫ مسلم‬waxay wariyeen sifo shanaad oo ah Zirru al Xajalati ‫زر‬
‫الحجلة‬.
Al Nawawii wuxuu Sharxu Muslim\‫ شرح مسلم‬ku yiri:
"Al Xajalatu\‫ الحجلة‬waa guri khaymadda oo kale ah, lehna azraarun kibaarun\‫أزرار كبار‬, oo ah
wacaran\‫ وعرا‬oo ah jamcu curwah\‫ عروة‬oo ah daloolka dharka ku yaalla oo uu guluusku galo".
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu yiri:
"Meeshaan al xajalu\‫ الحجل‬waa marada sariirta korkeeda lagu suro, oo arooska loogu qurxiyo".
Waxaa weeye wax sariirta ka korreeya siduu waayahaan marada shabaqa ah ee kaneecada la
isaga celiyo, sariirta looga kor dhiso oo kale.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Axaadiithta sugani waxay tilmaamayaan inuu khaatimka Nabinnimadu ahaa wax muuqda oo
guduudan, kuna yiillay garabkiisa bidixeed agtiisa, oo markuu soo uruuro oo uu yaraado ukunta
qoolleyda le'eg, markuu batana oo uu faafo tantoonyo le'eg."
Al Qaalli Ciyaad\‫ القاض عياض‬wuxuu yiri:
203
"Riwaayadahaasoo idil way isku dhow yihiin, ayna isku waafaq san yihiin inuu khaatimku
jirkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo foocsanaa in le'eg ukunta qoolleyda iyo zirru al
xajalati‫ زر الحجلة‬.
Riwaayadaha ku tilmaamayna tantoonyo waxaa muuqata inay khilaafsantahay riwaayadaha
badan oo la wariyay."
Anbiyadu waa ari jir
Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu oran jiray:
".‫ "وأنا‬:‫ "و أنت يا رسول هللا؟" قال‬:‫" قيل‬.‫"ما من نبي إال وقد رعى الغنم‬
"Maa min Nabiyyin illaa wa qad racaa al ghanama." Qiila: "Wa anta yaa Rasuula
Allaahi?" Qaala: "Wa anaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma jiro Nabi ee waa illaa kan ari raacay."
Waxaa la yiri:
"Adiguna ma ku jirtaa Rasuulka Ilaahayow?"
Wuxuu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
"Aniguna waan ku jiraa."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬Xadiithkaan ari raacidda wuxuu ula dan leeyahay markuu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ariga ku raaci jiray deegaanka reer Banii S\acd‫بني سعد‬, uuna la raacayey
walaalkiis xagga nuugmada.
Waxaa kaloo kutubbada Axaadiithta saxiixa ah ku sugnaatay inuu Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam Makkana\‫ مكة‬sidoo kale ari ugu raaci jiray, uuna ijaar lacag ah ku qaadan jiray, siduu
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬u wariyay.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu kaloo wariyay in intuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ariga
Makkah ku raaci jiray, ay qisadaani dhacday, uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka
sheekeeyey, uuna yiri:
".‫"ما هممت بشيئ من أمر الجاهلية إال مرتين‬
"Maa hamamtu bi shay'in min amri al jaahiliyyati illaa marratayni."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma aanan damcin wax ka mid ah umuurtii jaahiliyada laba goor mooyee. Labadaas goor
midkood, ayuu wariyay, waxay ahayd isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ari la jira, isaga
iyo wiil Quraysh\‫ قريش‬ah. Markaasuu wuxuu saaxiibkiis ku yiri, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam:
".‫"أكفني أمر الغنم حتى آتي مكة‬
"Akfinii amra al ghanama xattaa aatiya Makkata",
204
oo macneheedu yahay:
"iiga filnow ariga , Makkah\‫ مكة‬ayaan aadayaaye."
Makkah\‫ مكة‬waxaa ka jiray aroos la dhigayo cayaaro iyo muusiko. Markaasuu markuu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasall am, usoo dhowaaday daarta arooska si uu u tago, ayaa hurdo lagu riday.
Markaasoo seexday oo uu hurday ilaa uu kulaylka qorraxdu hurdada ka kiciyo, taasoo ku
ahaatay ilaalin uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬xumaanta ka dhawrayo.
Marka labaadna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saaxiibkiis ku yiri wax la mid ah
wuxuu maalintii hore ku yiri oo kale. Markaanna hurdo ayaa lagu riday, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, sida markii koowaadba loogu riday oo kale., uuna hurday ilaa uu kulaylka qorraxda
subixii dambe ka kiciyo."
Xadiithka Al Qutabiyyu \‫ القتيبي‬ee ari raacidda
Al Qutabiyyu\‫ القتيبي‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
،‫ وهو راعي غنم‬،‫ صلى هللا عليه وسلم‬،‫ وبعث داود‬،‫ وهو راعي غنم‬،‫ صلى هللا عليه وسلم‬،‫"بعث موسى‬
".‫وبعثت وأنا راعي غنم أهلي بأجياد‬
"Bucitha Muusaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wa huwa raaciyu
ghanamin, wa bucitha Daauudu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wa huwa
raaciyu ghanamin, wa bucithtu wa anaa raaciyu ghanami ahlii bi Ajyaad."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa lasoo diray Muuse\‫موسى‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ari jir ah, Daauudna
‫داود‬, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, waxaa la soo diray isagoo ari jir ah. Anigana waxaa la
isoo diray anigoo ariga ehelkeyga Ajyaad\‫ أجياد‬kula jira."
Ilaahay wuxuu Anbiyadaas ari jir uga dhigay si ay khalqiga raacii ama ilaaliyaal ugu noqdaa,
umadohooduna ay ayaga raaciye ugu noqdaan.
Riyada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu ku riyooday isagoo ceel biyo
kasoo saaraya, hareeraha ceelkana ay ku sugan yihiin ari madamadow iyo ari caddaankooda la
cabsiiyey guduud, wuxuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
.‫ يعني الدلو‬،‫ ثم جاء عمر فاستحل غربا‬.‫ وهللا يغفر له‬،‫ فنزع نزعا ضعيفا‬،‫ رضي هللا عنه‬،‫"ثم جاء أبوبكر‬
".‫فلم أر عبقريا يفري فريه‬
"Thumma jaa'a Abuu Bakru, Radiya Allaahu canhu, fa nazaca nazcan daciifan,
wa Allaahu yaghfiru lahu. Thumma jaa'a Cumaru fa istaxallat gharban, yacnii
205
al dalwa. Fa lam ara cabqariyyan yafrii fariyyahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kaddib waxaa yimid Abuu Bakr\‫أبو بكر‬, Allaha raalli ka noqdee. Markaasuu soo jiiday oo uu
soo saaray soo saarid daciif ah, Allaha dambigiisa dhaafee.
Kaddibna waxaa yimid Cumar\‫عمر‬. Markaasey xaaladda dalwigu is beddeshay, oo uu meel fog
gaaray, mana aanan arag nin ka xoog badan oo hawshaas uu qabtay oo kale qabtay."
Markaasey waxay dadku riyaadaas u fasireen inuu khilaafada leeyahay Abuu Bakr \‫أبوبكر‬,
kaddibna Cumar\‫عمر‬.
Haddaan la xusi lahayn ariga madmadow iyo kuwa caddoonkoodu guduud cabsan yahayna,
riyadu way ka fogaan lahayd in khilaafada lagu fasiro ari raacidda, ayadoo ariga madmadow iyo
kuwa cadcad oo guduudku ku jiro ay kala cabbirayaan Carabta iyo cajamta. Ragga Xadiithka
wariya badankoodu markay Xadiithkaan wariyeen, ma ayan xusin ariga, waxaase xusay Al
Bazzaaru\‫ البزار‬oo kitaabkiisa Al Musnadu\‫ المسند‬ku xusay.
Sidoo kale waxaa xusay Axmad bin Xanbal\‫أحمد بن حنبل‬. Sidaas ayuuna macnaha riyadoo sax ku
noqonayaa. Runtana Rabbi ayaa og.
Qorshaha ragga amxaarada ah
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Nin caalin ah ayaa wuxuu ii sheegay in waxa ku xambaaray hooyadiisa nuujinta, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Al Sacdiyyah\‫ السعدية‬inay hooyadiis Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬
usoo celiso, dheerina ka ah warkay hooyadiis uga sheegtay, inay koox rag ah oo arliga
amxaarada ka yimid oo krishtaan ah ay arkeen isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayada
la socda, kaddib markay intay naaska ka goysay ay hooyadiis u geysey, kaddibna ay kala soo
noqotay.
Markaasey fiiriyeen, ayadana ay wiilka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wareysteen,
isagana ay rogeen. Intaas kaddibna waxay yiraahdeen:
"Wiilkaan waan qaadanaynnaa, waxaanna ula tegeynna boqorkeenna iyo beledkeenna, maxaa
yeelay wiilkaani mustaqbal wayn ayuu leeyahay, aan amarkiisa ogsoonnahay."
Ninka ii warramay wuxuu yiri:
"Waxayba ku sigatay inay kala fakan waydo."
Haweenka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi WasalIam, nuujiyay
Al Xaafith Abuu Bakar bin Al Carabii‫ الحافظ أبو بكر بن العربي‬wuxuu kitaabkiisa Siraaju Al
Muriidiina\‫ سراج المريدين‬ku xusay oo yiri:
"Ma jirto haweeney nuujisay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ee waa illaa tan islaantay".
Al Sayuudhina\‫ السيوطي‬warkaas wuu wariyay.
Haweenka uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, naaskooda nuugay, waxay kala yihiin;
(Kow) Hooyadiisa dhashay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
206
‫وهب‬, waxayna nuujisay sagaal maalmood.
Waxaa kaloo la yiri: bal waxay nuujisay saddex maalmood. Waxaa kaloo la yiri toddoba
maalmood, uuna wariyay kitaabka AI Khamiisu\‫الخميس‬, kana wariyay culummada Siirada.
(Labo) Thuwaybatu\‫ثويبة‬, oo dhawr maalmood nuujisay ka hor intayan Xaliimo\‫ حليمة‬Makkah
\‫ مكة‬imaanin.
Thuwaybah\‫ ثويبة‬waxay kaloo nuujisay adeerkiis, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, Xamzah
\‫ حمزة‬iyo Abuu Salamah Al Makhzuumii\‫إبو سلمة المخزومي‬.
Thuwaybah\‫ثويبة‬
waxay ka nuujisay caanaha wiilkeeda magaciisu ahaa Masruux‫مسروح‬.
Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taas wuu u aqoonsanaa Thuwaybah‫ ثويبة‬, wuxuuna
kasoo xiriirin jiray Al Madiinaha Al Munawarah\‫المدينة المنورة‬. Markaassuu markuu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬furtay ka wareystay ayada iyo wiilkeeda Masruux
‫مسروح‬, waxaana loo sheegay inay labadooduba dhinteen. Markaasuu wuxuu ka wareystay xagga
qaraabadooda, axadna wuu ka waayey.
Siduu Abuu Lahab xoreynteeda Aakhiro ugu liibaanayna waxau ahayd sidatan:
Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫العباس بن عبد المطلب‬, Allaha raalli ka noqdee, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiisa uu jeclaa, ayaa wuxuu ku riyooday
walaalkiisa Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد العزى بن عبد المطلب‬, kanoo ay
koofaartiisu tahay Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬looguna bixiyay quruxdiisa iyo kaaha wajigiisa ka
iftiimayey. Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬macnihiisuna waxaa weeye holoca ama ololka aabihiis. Al
Cabbaas\‫ العباس‬wuxuu walaalkiis ku riyooday markay hal sano kasoo wareegatay markuu Abuu
Lahab\‫ أبو لهب‬dhintay, iyo Duullaanka Badarba‫ غزوة بدر‬kaddib, siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬iyo
ghayrkiisba u wariyeen.
Markaasuu wuxuu walaalkiis ku yiri:
"‫"ما حالك؟‬
"Xaalkaaga aad ku sugan tahay balka warran?"
Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬wuxuu ugu jawaabay oo uu yiri:
‫" وأشار برأس أصبعه "وأن ذلك بإعتاقي‬.‫ وأمص من بين أصبعي هاتين ماء‬،‫ إال أنه خفف عني كل ليلة إثنين‬،‫"في النار‬
".‫لثويبة عندما بشرتني بوالدة النبي صلى هللا عليه وسلم وبإرضاعها له‬
"Naarta dhexdeeda ayaan ku jiraa, laakiin waxaa cathaabta la iga khafiifiyaa habeen walba oo
isniin ah, anigoo labadeydaan farood (waana suulka gacantiisa iyo farta ku xigta oo attaxyaadka
marka la akhrinayo oo la ashahaadanayo kor loo qaado oo Qiblada xaggeeda loo fiiqo. Labadaas
farood waa labada farood oo uu ku fiiqay Thuwaybah markuu xoreynayey) dhexdooda ayaa biyo
la iiga soo burqiyaa, oo aan halkaas ka nuugaa. Taasna waxay ku ahaatay, oo la ii siiyey,
xoreynta aan Thuwaybata xoreeyey markay iigu bishaareysey dhalashada. Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam iyo nuujinta ay isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuujisay".
Waxaa Xadiithkaan ama qaarkiis erayo kale ku wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Cabdu Al
Razzaaq\‫ عبد الرزاق‬iyo Al Ismaaciilii\‫ اإلسماعيلي‬iyo Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬iyo ibnu Al Jawzii ‫إبن‬
\‫ الجوزي‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo kuwo kaleba.
207
Waxaa riwaayaddaas ka cad in Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬biyahaas cathaabla looga khaffifinayo aan
meel kale iyo dibadda looga keenine, ee labadiisa farood dhexdooda looga soo burqiyay, oo
intuu nuugo markay uurkiisa galaan uu cathaabtuu ku jiro khafiifin uga helayo.
Biyahaasna Jannada looga keeni mayo, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa, gaalada ka
xaaraantimeeyey.
Al Imaamu al xaafith abuu al Khayr Shamsu Al Diini ibnu Al Juzarii Muxammad bin
Muxammad bin Muxammad Al Dimishqiyyi ‫اإلمام الحافظ أبو الخير شمس الدين الجزري محمد بن محمد‬
\‫الدمشقي‬, Akhrinta kala duwan ee Quraanka Imaamka ku ah, Xadiithkana xafithay oo korkaba ka
haya, dhigayna kutubbada badan oo ay ka mid yihiin kuwa faafiyay Qiraa'aadka tobanka ah oo
aan isagoo kale la dhigin, dhashayna, sanadka toddoba. boqol iyo kow iyo kontonka Hijriga,
dhintayna sideed boqol iyo sideed iyo soddonka, wuxuu yiri:
"Hadduu kaasi yahay kaafirka uu eedeyntiisa Quraan ku soo degay oo looga abaal guday isagoo
naarta dhexdeeda ku jira faraxa uu farxay habeenkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhashay,
muxuu noqonayaa, hadaba, xaalka muslimka muwaxxidka ah oo ummaddiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka mid ah oo ku farxaya mawlidkiisa dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, maalkiisana ku bixinaya si qalbi furan intay awooddiisu gaarto, jacaylka uu Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u qabo daraadeed, oo uu sadaqooyin bixinayo?" Allaha
daystee al xaafith Shamsu Al Diini Muxammad bin Naasir al Shaamii ‫الحافظ شمس الدين محمد بن‬
‫ ناصس الشامي‬wuxuu ka yiri:
‫إذا كان هذا كافرا جاء ذمه\وتبت يداه في الجحيم مخلدا‬
‫أتى أنه في يوم اإلثنين دائما\يخفف عنه للسرور بأحمدا‬
‫فما الظن بالعبد الذي كان عمره\بأحمد مسرورا ومات موحدا‬
1. Ithaa kaana haathaa kaafirun jaa'a thimmuhu
Wa tabbat yadaahu fii Al Jaxiimi mukhladaa
2. Ataa annahu fii yawmi al ithnayni daa'iman
Yukhaffafu canhu lil suruuri bi Axmadaa.
3. Fa maa thannu bi al cabdi allathii kaana cumuruhu
Bi Axmada masruuran wa maata muwaxxadaa.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Hadduu kani gaal yahay eedeyntiisu ay timid (Suuratu Tabbat)
Labadiisa gacnood ay ku khasaareen Jaxiimo oo ay ku waarayaan.
2. La sheegay in maalin isniin ah si joogto ah oo daa'im ah
Looga khafiifiyo farxiddiisa uu ku farxay Axmad dareedeed
3. Maxaad u maleyneysaa hadaba addoonka cimrigiisoo idil
Axmad ku farax sanaa, dhintayna isagoo muwaxxad ah.
Nolosheydaan ku dhaartaye, midkaas muslinka ah oo Axmad\‫أحمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku faraxsan oo xusaya mawlidkiisa, dhintana isagoo muwaxxad ah oo Ilaahay keligiis
caabudaya, abaal marintiisa uu Ilaahayga Kariimka ahi\‫ الكريم‬siinayo waa inuu deeqdiisa qotada
dheer oo ballaaran uu ku geliyaa Jannooyinka nicmada leh, uuna ugu raaxecyo aragtida
208
Wajigiisa Cathiimka\‫العظيم‬
warkiisu.
‫وجهه‬
ah Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
‫سبحانه‬.Waa
intaas
(Saddex) Xaliimah Al Sacdiyyah\‫حليمة السعدية‬, oo aan qisadeeda kasoo warrannay, waana
Xaliimah bintu Abii Thu'ayb\‫حليمة بنت أبي ذؤيب‬.
(Afar) Haweeney reer Bani Sacd bin Bakr\‫ بني سعد بن بكر‬u dhalatay, oo nuujisay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, intuu Xaliimo\‫ حليمة‬la joogay, siduu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬sharaxiisa Al
Laduniyyah\‫ شرح اللدنية‬ugu wariyay.
(Shan) Ummu Ayman Barakah\‫ أم إيمن بركة‬al xabashiyyah, siduu u xusay Al Qurdhubii\‫القرطبي‬,
waxaase mash-huur ah inay hayn jirtay, caanna kuma aha inay nuujisay.
(Lix) Haweeney la yiraahdo Ummu Farwah\‫أم فروة‬, siduu Al Zarqaanii‫ الزرقاني‬u wariyay.
(toddoba, sideed iyo sagaal) Saddex haween ah oo reer Banii Sulaym‫ بني سليم‬u dhashay, siduu Al
Zarqaanii\‫ الزرقاني‬kitaabka Al Istiicaabu\‫ اإلستيعاب‬uga wariyay, in, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lala soo ag maray haween bikrayaal ah ee re er Banii Sulaym‫ بني سليم‬, markaasey
naasohooda soo bixiyeen oo ay afkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geliyeen. Markaasey
godladeen oo ay naasohooda caano kasoo buuxsameen.
Sanadka lixaad: dhimashada aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu la joogay hooyadiis Aaminah bintu
Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬iyo awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, isagoo ku sugan
xannaannada Ilaahay iyo ilaalintiisa, uuna Ilaahay korinayo korrimo suuban, isagoo doonaya
inuu karaameeyo, oo uu Nabi iyo Rasuul ka dhigo. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, lix sano jirsaday, ayay hooyadiis Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت وهب‬
dhimatay. Qisada Aaminana‫ آمنة‬kor ayaan kusoo warinnay.
Hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay dhimatay ayadoo uu lix jir yahay Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, markaasaa waxaa kafaalo qaaday, oo uu gurigiisa
u wareegay awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo kafaala qaaday Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Markay hooyadiis dhimatay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam isagoo lix jir ah, waxaa kafaala
qaaday awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, kaasoo uu gurigiisa usoo wareegay.
Riyada Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ee geedka iyo nuurka iyo silsiladda
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu habeen ku riyooday riyo ka nixisay oo uu ka baqay.
Isagoo isaga laftiisu riyadaas ka warramaya wuxuu yiri:
:‫ سمعت أبا طالب يحدث عن عبد المطلب قال‬:‫عن أبي بكر بن عبد هللا بن أبي الجهم عن أبيه عن جده قال‬
209
‫"بينما أنا نائم في الحجر إذ رأيت رؤيا هالتني ففوعت منها فزعا شديدا فأتيت كامهة قريش على مطرف‬
‫ "ما بال‬:‫ فقالت‬،‫ فلما نظرت إلي عرفت في وجهي التغير وأنا يومئذ سيد فومي‬،‫خز وجمتي تضرب منكبي‬
‫ وكان اليكلمها أحد من الناس‬،‫ "بلى‬:‫سيدنا قد أتانا متغير اللون هل رأيت من حدثات الدهر شيئا؟ فقلت‬
‫ فجلست‬،‫ ولم أفعل ألني كنت كبير قومي‬،‫حتى يقبل يدها اليمنى ثم يضع يده على أم رأسها ثم يذكر حاجته‬
‫ "إني رأيت الليلة وأنا نائم في الحجر كأن شجرة نبتت قد نال رأسها السماء وضربت بأغصانها‬:‫فقلت‬
‫المشرق والمغرب وما رأيت نورا أزهر منها أعظم من نور الشمس سبعين ضعفا ورأيت العرب والعجم‬
‫ ساعة تخفي وساعة تزهر ورأيت رهطا من‬،‫ساجدين لها وهي تزداد كل ساعة عظما ونورا وارتفاعا‬
‫ فإذا دنوا منها أخرهم شاب لم أر قط‬،‫قريش قد تعلقوا بأغصانها ورأيت قوما من قريش يريدون قطعها‬
‫أحسن منه وجها وال أطيب منه ريحا فيكسر أضلعهم ويقلع أعينهم فرفعت يدي ألتناول منها نصيبا فمنعني‬
‫ فانتبهت مذعورا‬،"‫ "النصيب لهؤالء الذين تعلقوا بها وسبقوك إليها‬:‫ "لمن النصيب؟" فقال‬:‫ فقلت‬،‫الشاب‬
‫ "لئن صدقت رؤياك ليخرجن من صلبك رجل يملك المشرق‬:‫" فرأيت وجه الكاهنة قد تغير ثم قالت‬.‫فزعا‬
".‫والغرب ويدين له الناس‬
‫ "فكان أبو طالب يحدث بهذا الحديث والنبي صلى هللا‬:‫" قال‬.‫ "لعلك تكون هذا المولود‬:‫ثم قال ألبي طالب‬
"‫ "أال تؤمن به؟‬:‫ فيقال له‬."‫ "(كانت الشجرة) وهللا أعلم أبا القاسم األمين‬:‫ قد خرج ويقول‬،‫عليه وسلم‬
".‫ "السبة والعار‬:‫فيقول‬
"anigoo Xijriga\‫ الجدر‬hurda ayaan waxaan arakay riyo iga cabsiisay, aanna cabsi iyo naxdin wayn
ka naxay. Markaasaan waxaan u imid kaahinadda Quraysh anigoo go' xariirta khazzin\‫ خز‬la
yiraahdo (oo xariirta ugu fiican) huwan, timahayguna ay taabanayaan oo garaacayaan labadayda
garab.
Markaan u imid oo ay i fiirisay ayay waxay wajigayga ka garatay is beddel, anigoo markaasna
hoggaamiyaha tolkay ah. Markaasay waxay tiri:
"maxaa ku dhacay sayyidkeenna oo noo yimid isagoo midabkiisu doorsoon yahay? Ma
waxyaalka zamannada dhaca ayaad aragtay?"
Waxaan ku iri:
"haa."
Ayadana qofna lama uusan hadli jirin jeer uu gacanteeda midig dhunkado, kaddibna uu
gacantiisa madaxa ka saaro. Markuu sidaas yeelo kaddib ayuu xaajadiisa sheegan jiray, aniguse
ma aanan yeelin sidaas, maxaa yeelay tolkay ayaan ugu waynaa, madaxna u ahaa.
Markaasaan fariistay waxaanna iri:
"xalay anigoo hurda waxaan arkay ayadoo uu dhabarkayga geed kasoo baxay, geedka
madaxiisuna uu cirka ku dheggan yahay, laamihiisuna ay qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhacba
gaareen, mana aanan arag nuur ka cad oo ka wayn, kana cad nuurka qorraxda toddobaatan goor.
Waxaanna arkay inay Carab iyo cajamba ay geedkaas u sujuudayaan, isagoo geedkaas ay saacad
walba u kordhayaan waynaan iyo nuur iyo kor u kicidba. Saacad kalena wuu muuqanayaa.
Waxaanna arkay qabaa'il Quraysheed\‫ قريش‬oo laamaha geedkaas inta ku dhegay kasoo laadlaada,
iyo qabaa'il kale oo Quraysheed\‫ قريش‬oo doonaya inay geedkaas gooyaan. Kuwaas doonaya
inay gooyaan mar kasta oo ay geedka usoo dhowaadaanba waxaa qabta nin dhallin yaro ahoo
aanan qof ka waji qurxoon hore u arag iyo qof ka carfoonba, markaasuu dhabarrada ka jebiyaa,
indhahana kasoo bixiyaa." Markaan Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬aniga laftayduna
gacantiisa kor u taagay inaan geedkaas qabsado oo aan sadkayga ka qaato, waanse gaari waayay.
Markaasaan waxaan iri:
210
"yaa sad ku leh?"
Wuxuu yiri:
"sad waxaa ku leh kuwaas qabsaday oo ku dheggan oo adiga kaaga hor maray."
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu waabariistay, isagoo wali kurbaysan, ayuu wuxuu u
tegey kaahinadda Quraysh\‫ قريش‬. Markuu kaahinaddaas riyadiisii u sheegayna waxay tiri:
"Haddii riyadaas run laguugu sheegay, waxaa dhabarkaaga kasoo bixi doonah nin bari iyo
galbeed hananaya, dadoo idilna uu u hoggaansamayo."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu kaddib wiilkiisa Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri:
"Waxaa dhici karta inaad adigu ninkaas dhashay aad tahay."
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬qisadaas ayuu ka sheekeyn jiray kaddib marka Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la soo saaray, kaddibna wuxuu yiraahdaa:
"Geedkaasi waa Abaa Al qaasim, Al Amiinu\‫ األمين‬،‫أبا القاسم‬. "
Markaasay Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬waxay ku yiraahdeen:
”Oo adigu maad rumaysid oo raacdid?”
Wuxuu yiri:
”Waxaan ka baqayaa cay iyo ceeb.”
Waa intaas warka Xadiithkaan.
Waxaa sidaas wariyay Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬iyo Al Xaafith Abuu Numcaym Al Asbahaanii
‫ الحافظ أبو نعيم اإلسبهاني‬oo dhintay sanadka afar boqol iyo soddon Hijriga, kuna wariyay kitaabkiisa
Dalaa'ilu al Nubuwwah\‫دالئل النبوة‬, xadiithkiisa kow iyo kontonaad ee Juzka koowaad.
Riyo kale ee Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu isaguna markuu ka warramayey sababta Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Muxamad\‫ محمد‬loogu bixiyay, wuxuu ka wariyay Calii Al Qiirawaaniyyu Al
Caabir\‫ علي القيرواني العابر‬uu kitaabkiisa Al Bustaanu‫ البستان‬ku yiri:
"Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu ku riyooday ayadoo ay silsilad qalin ah dhabarkiisa
kasoo baxday, oo ay darafina Samada ku jirto, darafta kalena ay arliga ku jirto, darafna ay qorrax
kasoo bax ku jirto, darafna qorrax u dhac.
Markaasey silsiladdu hadana geed noqotay, oo caleen walba ee geedku uu nuur leeyahay: nuur
aad u caddaan badan oo aad u iftiin badan, nuurka qorraxdana toddobaatan goor ka iftiin badan,
saacad walbana uu iftiinkeedu sii kordhayo, siina weynaanayo, siina kor marayo. Markkasey
dadka qorrax kasoo bax ku nool iyo kuwa qorrax u dhac ku noolba waxay ku dheggan yihiin oo
ay kasoo laadlaadaan geedkaas iyo caleemihiisa. Markaasaan waxaan arkay Carabta iyo cajamta
oo u sijuudsan.
Waxaanna arkay rag Quraysh\‫ قريش‬ah oo ayaguna ku dheggan oo geedkaan iyo caleemihiisa
kasoo laadlaada, iyo rag kale oo Quraysh oo doonaya inay geedkaasba gooyaan: markayse usoo
dhowaadaanba waxaa qabta nin dhallin yar oo aanan arag qof ka waji qurxoon, kana caraf
badan, markaasuu dhabarradooda jebiyaa, indhahana kasoo bixiyaa.
211
Markaasaan gacanteyda sare kor ugu qaaday inaan geedkaas wax kasoo qaato, markaasaan gaari
waayay, waxaana la i yiri:
"Waxaa nasiibka iska leh kuwaa kasoo laadlaada."
Markaasuu riyaadaas faaliso Quraysh\‫ قريش‬u sheegay waxayna ku fasirtay wiil isaga dhabarkiisa
ka dhalan doona oo ay dadka qorrax kasoo bax ku nool iyo kuwa qorrax u dhacba ay raaci
doonaan, ayna ku xamdin oo mahdin doonaan kuwa Samada ku nool iyo kuwa arliga ku noolba.
Taas daraadeed ayuu Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu bixiyey.
Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬, waana Xaiithka shan iyo sideetanaad ee
kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬.
Sidaas ayayna ahaatay, oo muslimiintu waxay deggan yihiin Bari yio galbeedka Makkah\‫مكة‬,
laga soo bilaabo darafta shishe ee Aasiya ilaa Galbeedka Afrika, waana ku yaryihiin Yurub iyo
Ameerika oo Waqooyi xiga iyo Australia iyo agagaarkeeda oo Koofur xigah.
Roob doonka Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
Sanadkaas waxaa Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬ka dhacday abaar xun, ayna xoolohoodii ku
l'edeen.
Markaas ayaa habeen habeennada ka mid ah haweenta Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬, oo
magaceedu ahaa Raqiiqah bintu Abii Sayfii bin Hishaam\‫رقيقة بنت أبي ًيفي بن هشام‬, ayaa waxay tiri:
"Quraysh\‫ قريش‬ayaa waxaa isku daba galay abaaro xoolihii ciddiyaha kasoo saaray, lafihiina ay
jilceen. Markaasaa anigoo hurda, ninkeyguna uu ila jiro ayaa waxaa ii yimid haatif codkiisu
xabeeb leeyahay oo ku qaylinaya oo leh:
"Quraysheey\‫ قريش‬, Nabigaan la soo dirayo adinkuu idinka dhashay, xidigihiisuna way soo
baxeen oo muuqdeen, ee barwaaqo iyo barbaar usoo baxa.
Waxaad iska dhex raadisaan nin dheer oo wayn oo madaxu cirro la caddaaday, san dheer leh oo
fooddisu kor u qaadantahay, wax lagu faano leh, qarsanayase.
Ninkaas jilib walba oo dadka Makkah\‫ مكة‬nin ha uga tago isaga iyo wiilkiisa, biyo ha ku
qubaystaan, cadar ha is mariyaan, Kacbadana toddoba goor ha ku dhawaafaan. Waxaa ku jira
midka sidiisaba daahirka ah oo carfoon. Ninkaas ha loo yeero oo dadka Imaam ha u noqdo
marka roob doonta loo Alle baryayo. Intaad nooshihiina waa la idiin gargaarayaaye."
Markay riyadaasi dadkii Makkah\‫ مكة‬dhexdooda ku faaftay, ayay waxay wada yiraahdeen:
"Ninkaasi waa Shaybatu Al Xamdi\‫"شيبة الحمد‬, oo ah magaca Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫المطلب‬, ayadoo magacaan dambe uu koofaar yahay.
Markaas ayaa jilib walba oo reer Makkah\‫ مكة‬nin iska soo saareen, kuwaasoo inta qubaystay,
cadar is mariyay, Kacbada tegey oo Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬dhunkaday toddoba goor
Baytka ku dhawaafay. Markaas kaddib ayaa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬, isagoo uu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la socdo, isagoo nimankii hoggaaminaya waxay
tageen buurta Jabalu Abuu Qubays\‫جبل أبي قبيس‬, oo ah buurta uu hadda guriga boqorka
Sucuudiga ka dul dhisan yahay oo Masjidka ku dheggan.
212
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ku adkaystay inuusan Alle Baryin inuu wiilkiisa
Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la socdo mooyee, isagoo qalbigiisa ka
aaminsanaa barakada wiilkiisa.
Markay buurta Qubays\‫ قبيس‬dusheeda tageen, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wiilkiisa
tunka saartay.
Markaasuu Ilaahay baryay, oo intuu marka hore Ilaahay ammaanay ayuu hadana roob ka baryay.
Wuxuuna yiri:
‫ وهذه عبداؤك وإماؤك عذرات‬،‫ ومسؤل غير منجل‬،‫ أنت عالم غير معلم‬،‫ وكاشف الكربة‬،‫اللهم ساد الخلة‬
".‫ فاسمعن اللهم وأمطرن غيثا وريعا مغدقا‬.‫ يشكون إليك سنتهم التي قد أقحلت الظلف والخف‬،‫حرمك‬
“Allaahumma Saaddu al khillati, wa kaashifu al kurbatiK Anta Caalimun ghayra
mucallamin, wa mas’uulun ghayra munajjalin, ,wa haathihi cabidaa’uka wa imaa’uka
cathiraatin Xaramika, yashkuuna ilayKa sanatahum allatii qad aqxalat al th-thalfa wa al
khaffa. Fasmicn Allaahumma wa amdhdhirna ghaythan mariican mughdiqan.”
Ducadaas macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahayow, Midka Baahida jirtaba awda, kurbadana qaada, Adigu wax walba cilmi ayaad u
leedahay ayadoo uusan qofna kuu sheegin, waxaadna tahay Midka cid walba wax waydiisato
aanna bakhiilka ahayn, kuwaanna waa addoommadaada ragga ah iyo addoommadaada haweenka
ah, oo taagan daydka Xaramkaaga, waxayna Adiga kaaga ashtakoonayaa abaarta haleeshay,
marka Ilaahayow maqal oo ka yeel, noona soo di'i roob macaan oo badan." Ayagoo aan wali
Kacbada gaarin ayaa samadu furantay oo roob da'ay, (siduu Al Bukhaariina\‫ البخاري‬ugu wariyay,
xadiithkiisa kun iyo sideed) oo uu waadigii Makkah\‫ مكة‬biyo ka buuxsameen.
Markaasay odayadii iyo madaxdii Quraysh\‫ قريش‬oo ay ka mid yihiin Cabdu Allaahi bin
Judcaan‫عبد هللا بن جدعان‬, iyo Xarb bin Umayyah\‫حرب بن أمية‬, iyo Hishaam bin Al Mugjhiirah ‫هشام‬
\‫ بن المغيرة‬ayaa waxay Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ku yiraahdeen:
“Hambalyo aabaha Al Badhaxaa’u‫البطحاء‬, oo macneheedu yahay: adigay kugu noolaadeen dadka
Al Badhaxaa’u ‫البطحاء‬, oo ah Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬deggani.”
Markaasay Raqiiqah gabaygaan soo socda tirisay oo ay tiri:
‫وقد فقدنا الحيا واجلوذ المطر‬
‫سحا فعاشت به األنعام والشجر‬
‫وخير من بشرت يوما به مضر‬
‫ما في األنام له عدل وال خطر‬
‫بشيبة الحمد أسقى هللا بلدتنا‬
‫فجاء بالماء جوني له سبل‬
‫منا من هللا بالميمون طائرة‬
‫مبارك األمر يستسقى الغمام به‬
Bi Shaybati Al Xamdi Asqaa Allaahu Baldatanaa/wa qad faqadnaa al xayaa wa ajlawwatha al
madharu.
Fa jaada bi al maa’i jawniyyun lahu sabalun/saxxan fa caashat bihi al amsaaru wa al shajaru.
Munnan mina Allaahi bi al maymuuni dhaa’iruhu\wa khayru lk bush-shirat yawman bihi
mudarru.
Mubaaraku al amri ystasqaa al ghamaamu bihi/maa fii al anaami lahu cidlun wa laa khadharu.
213
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
Shaybatu Al Xamdi\‫( شيبة الحمد‬oo ah magaca Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ )عبد المطلب‬daraadiis iyo
ducadiisa ayuu Ilaahay Beledeenna ku waraabiyay/annagoo seegnay noolol roobkiina waqtigiisa
dib uga dhacay. Markaasaa waxaa biyo keenay shimbirka la yiraahdo “Jawniyyu \‫ ”الجوني‬oo
biyo/soo daadiyay oo ay markaas xoolihii iyo geedihii ku noolaadeen.
Waana galladaysi Ilaahay oo falxad ah/ahna waxa ugu khayr badan oo qabiilka Mudar \‫مضر‬
maalinna loogu bishaareeyey.
Amarkiisu waa barakaysan yahay, isagaana lagu roob doonaa/khalqigana kuma jiro mid u
dhigma lamina sheegin.
Xadiithjka waxaa wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa’ilu Al Nubuwwati
‫ دالئل النبوة‬mujalladka labaad bogga shan iyo toban, kana wariyay Makhramah bin Nawfal ‫مخرمة بن‬
‫ نوفل‬oo ka wariyay hooyadiis Ruqayqah bintu Sayfiyyi ‫رقيقة بنت صيفي‬.
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo geela baadiyoobay soo helay
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬oo gogosha harka Kacbada u fidsanaan jirtay Xijru Ismaaciil
‫ حجر إسماعيل‬ku kor fadhiya, madaxda Qurayshna ay hareerihiisa fadhiyaan, ayaa waxaa u yimid
wiilashiisa uu isagu dhalay, waxayna u sheegeen inay soo waayeen halo geel ah oo ka lumay.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wiilkuu awoowaha u ahaa, Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo agtiisa gogosha kula fadhiya, intuu laabtiisa ku qabtay
ayuu wuxuu ku yiri:
"Wiilkeygaan mustaqbal wayn ayuu lahaanayaa."
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Kac oo adigu geela raadi."
Sidaas ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u kacay oo uu geela raadiyay. Markuu
cabbaar maqnaa ayaa odaygii walwalay. Markaasuu inta kacay oo uu albaabka Kacbada hor
istaagay oo uu labada dugaagadood oo irridda ku dheggan oo lagu garaaco inta ku dhegay
albaadka ku garaacay, oo isagoo ooyaya Alle baryay oo uu yiri:
".‫"رب رد إلي راكبي محمدا يا رب رده واسطنع عندي يدا‬
"Rabbi Rudda ilayya raakibii Muxammadan Yaa Rabbi ruddah wa asdhanic cindii
yadaa."
Ducadaas macneheedu waxaa weeye:
"Rabiyow Muxammadka iga tegey ii soo celih, Rabbiyow ii soo celih oo abaal igu yeelo."
Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo geelii wada yimid, taasoo
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬aad u farax gelisay, oo wuxuu u diro mar walba wuu keeni
jiray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬aad u farxay wuxuuna yiri:
214
‫ وال تفارقني بعد هذا‬،‫ وهللا البعثتك في حاجة أبدا‬،‫ لقد جزعت عليك جزعا لم أجزع على شيء قط‬،‫يا بني‬
".‫أبدا‬
“Yaa bunayya, la qad jazictu calayka jazcan lam ajzac calaa shay’in qadh-dh, wa Allaahi
laa bacath-tuka fii xaajatin Abadan, wa laa tufaariqnii bacda haathaa Abadan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wiilkaygow, waxaan kuu tiiraanyooday tiiraanyo wayn oo aanan ayadoo kale weligay hore u
shayna ugu tiiraanyoon. Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan maanta kaddib weligay wax dambe kuu
dirsanayn. Waligay mar dambe iga tegi maysid middaan dabadeed.."
Ninka xadiithkaan wariyay oo arkayay Cab du Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo ooyaya oo
Kacbada ku dheggan Ilahayna ka baryaya inuu wiilkiisa usoo celiyo, wuxuu yiri:
"Anigoo meesheydii wali taagan oo aan ka dhaqaaqin ayaa Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, soo galay isagoo geelii wada.
Ninkii wuxuu yiri, magaciisuna wuxuu ahaa Kindiir bin Saciid‫كندير بن سعيد‬:
"Ninkaani waa kuma?'
Waxaa la yiri:
"Waa Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo geel ka lumay, markaasuu wiilka wiilkiisa u diray
inuu soo helo oo soo celiyo, oo xaajo kasta oo uu u diro, wuu keenaa. Hadana wuu kasoo
raagay."
Xadiithka waxaa wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, kuna wariyay Dalaa’ilu Al Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬
mujalladka labaad bogga labaatanaad, wuxuuna ka wariyay Kindiir bin Saciid\‫ كندير بن سعيد‬oo
aabihiis ka wariyay.
Waxaa kaloo wariyay Al Xaakim\‫ الحاكم‬kuna wariyay Al Mustadrik\‫( المستدرك‬2/603-6040; Al
Thahabii\‫ ;الذهبي‬Dhabaqaatu ibnu Sacad\‫( طبقات إبن سعد‬1/111); Abuu Xaatim Al Rraazii ‫أبو حاتم‬
‫( الرازي‬3: 2 : 173).
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu Al Dhabaqaatu\‫ الطبقات‬ku wariyay oo kale tixahaan soo socda inuu
Cabdu Al Mudhalib yiri:
‫الهم أد راكبي محمدا\أده إلي واصطنع عندي يدا‬
‫أنت الذي جعلته لي عضدا\ال يبعد الدهر به فيبعدا‬
‫أنت الذي سميته محمدا‬
Laahumma adda raakibii Muxammadaa/addahu ilayya wa is’dhanic cindii yadaa.
Anta Allathii jacaltahu lii cadudaa/laa yabcadu al dahru bihi fa yabcadu.
Anta Allathii sammaytahu Muxammadaa.
Ducada macneheedu waxaa weeye:
“Ilaahayow midka iga maqan ee Muxammad\‫ محمد‬ah ii soo celi/ii soo celi oo sidaas gacan iigu
yeelo.
215
Adigaa isaga cudud iiga dhigay/yuusan wax badan maqnaanin oo uusan markaas fogaanin.
Adigaana isaga Muxammad‫ محمد‬u bixiyay.”
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo wadaadka krishtaanka ah
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo Xijru Ismaaciil ‫حجر‬
\‫ إسماعيل‬fadhiya ayaa waxaa u yimid oo la soo fariistay wadaad krishtaan ah oo ka yimid
gobolka Najraan‫ نجران‬ee dalka Sucuudiga/Yaman, oo ay saaxiib ahaayeen. Wadaadkaas oo u
sheekeynaya ayaa wuxuu ku yiri:
"Waxaa kutubbadeenna ku dhigan sifooyinka siduu u egyahay Nabi ka mid ah ubadka Ismaaciil
‫ إسماعيل‬oo magaaladaan ku dhalan doona, tilmaamihiisuna ay sidaas iyo sidaas yihiin. Markaas
ayagoo uu hadalkoodu halkaas marayo ayaa waxaa u yimid Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam.
Markaasaa wadaadku wuxuu fiiriyay indhiha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo
dhabarkiisa iyo cagihiisa, kaddibna wuxuu yiri:
"Wiilkaan maxaad u tahay?"
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Anigaa dhalay."
Wadaadkii wuxuu ku yiri:
"Warka aan annagu haynno wiilkaan aabihiss ma noola."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Waa wiilka wiilkeyga, aabihiisna wuxuu dhintay ayadoo ay hooyadiis uurkiisa leedahay."
Wadaadkii wuxuu yiri:
"Runa ayaad sheegtay."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu wiilashiisa ku yiri:
"Wiilka walaalkiin si fiican u ilaaliya, waad maqleysaan waxa la sheegayee."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo ragga reer Banii Mudlij\‫بني مدلج‬
Maalin ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo caruur kale la
cayaaraya ayay waxay gaareen meesha la yiraahdo Al Radmu \‫ الردم‬oo Makkah\‫ مكة‬ka mid ah.
Halkaas ayaa waxaa ku arkay rag u dhashay reer Banii Mudlij\‫بني مدلج‬.
Markaasey u yeereen oo markuu u yimid ay labadiisa cagood fiiriyeen iyo raadkiisa. Kaddib
markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka tegey ayay soo daba galeen ilaa ay ka arkeen inuu
u yimid Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, kaasoo luqunta luqunta u suray.
Markaasey waxay raggii Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ku yiraahdeen:
"Midkaani muxuu kuu yahay?"
Wuxuu yiri:
"Waa wiilkayga."
Waxay yiraahdeen:
"Si fiican u ilaali, maxaa yeelay annagu ma aanan arag cag cagtiisa uga eg cagta Maqaamka ku
jirta (waana raadka cagta Nabi lbraahiim‫ إبراهيم‬oo Maqaamu lbraahiimu\‫ مقام إبراهيم‬maanta
dhaladu ku daboolantahay)."
216
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu wiilkiisa Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri:
"Maqal waxa uu midkaani leeyahay"، sidaas ayuuna Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
jiray.
aad ugu ilaalin
Waxaana xadiithkaan wariyay Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaailu Al
Nubuwwati\‫دالئل النبوة‬, juzka koowaad, bogga boqol shan iyo lixdan, waana xadiithkiisa sagaal
iyo sagaashanaad.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo roob doonka Qays \‫ قيس‬iyo Mudar‫مضر‬
Kaddib waxaa gobolladay degganaayeen qabaailka Qays‫ قيس‬iyo Mudar‫ مضر‬ka dillaacay abaaro
daran oo xoolihii iyo beerihii halaagay.
Madaxdii qabaa'ilkaas intay tashadeen oo ay xuseen inuu dadku markuu abaarsado ay u tagaan
Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, oo intuu u roob doono roob la helo, ayay waxay Makkah ‫مكة‬
ugu tageen Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, ayna ka baryeen inuu u roob doono.
Markay u yimaadeen wuu ka oggolaaday, wuxuuna ballamiyay inay maalinta middaas ku xigta u
yimaadaan, si ay Carafo\‫ عرفات‬isugu raacaan.
Habeenkaas oo dhan waxaa Makkah\‫ مكة‬looga hadlayay roob doonta Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
‫ المطلب‬markay abaarta xumi Makkah\‫ مكة‬ku dhacday, markuu Alle baryayna isagoo uu tunka u
saaranyahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo wiil yar ah, Ilaahay roob
siiyay.
Gabayadii ay dadku arrinkaas ku xuseen waxaa ka mid ahaa baytkaan oranaya:
‫وقد عدمنا الحيا وأجلوذ المطر‬
‫بشيبة الحمد أسقا بلدتنا‬
"Bi Shaybati Al Xamdi‫ بشيبة الحمد‬Asqaa baladatanaa wa qad cadimnaa al xayaa wa ajlawwatha
al madharu", oo macneheedu yahay:
"Roob doonta Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ayaa Ilaahay beledkeenna ku waraabiyay,
ayadoo uu intuu roobku waqtiguu da'i jiray aad uga daba maray oo sidaas nolol lagu waayey."
Subixii dambe waxaa la aaday Carafaat, halkaasoo Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬kursi loo
dhigay. Markuu kursigaas ku fariistay wuxuu dhabtiisa kusoo fariisiyay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo markaas sideed jir ah. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
‫ المطلب‬Alle baryay. Markuu Alle barigiisa dhammeeyey ayay daruuri inta meeshaas ka curatay
waxay aaday xagga arliga Qays\‫ قيس‬iyo Mudar‫مضر‬. Markuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
maqlay unkadka iyo dhawaaqa daruurtii ayuu wuxuu yiri, isagoo markaas indha beelay oo aan
wax arkin: "Qays‫ قيس‬iyo Mudarow\‫ !مضر‬Dalkiinna ku noqda waa la idin waraabiyaye."
Waxay ugu jawaabeen:
"Hambalyo aabihii Makkow\‫ !مكة‬Dadka reer Makkah‫ مكة‬adigay kugu noolaadeene."
Isagase wuxuu qalbigiisu ogaa inay taasi ku timid barakada wiilkuu awoowaha u yahay, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
217
Firaashka Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬Kacbada harkeeda u yiillay
Cabdul Mudhalib‫ عبد المطلب‬wuu karaamayn jiray oo uu waynayn jiray Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna lahaa firaash loo dhigo Xijru Ismaaciil‫حجر إسماعيل‬
iyo harka Kacbada, ayananna cid aan isaga ahayni ku fariisan jirin, cidna ay an kula fariisan jirin,
intaan ahayn saaxiibkiisa khaaska ah.
Inta kaloo idil waxay fariisan jireen hareerihiisa. Intuu saaxiibbadiis la sheekeysanayo, wuxuu
odagu gacantiisa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga salaaxi jiray dhabarka.
Markaasaa waxaa maalin u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo wiil
yar ah, markaasuu wuxuu ku fariistay firaashka, markaasuu nini soo jiiday, oo damcay inuu ka
kiciyo. Markaasuu ooyay.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, oo markaas indha la' oo indho beelay, markuu
boohintiisa maqlay ayuu wuxuu yiri:
"Muxuu wiilkeygu la ooyayaa?"
Waxay ku yiraahdeen:
"Wuxuu doonayey inuu gogosha ku fariisto, markaasey ka celiyeen."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Daaya wiilkeyga ha ku fariistee, maxaa yeelay wuxuu dareensanyahay inuu sharaf leeyahay,
aniguna waxaan rajeynayaa inuu sharaf iyo madaxtinnimo ka gaaro meel uusan hortiis nin
carbeed ka gaarin, dabadiisna uusan ka gaari doonin."
Harka Kacbadu waa harka ugu khayr badan adduunkaan, oo waaba harka Guriga Ilaahay
Tacaalaa.
Raaciddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ariga Banuu Haashim\‫بنوهاشم‬
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuu karaameyn jiray oo uu waynayn jiray Nabi Muxammad,
Sallaa AllaahuCalayhi Wasallam, gurigiisana hal weel ayay wax ka wada cuni jireen.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬axadna uma uusan oggolaan jirin inuu Nabiga, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, oo hurda uu u galo.
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis u sheegay inuu
doonayo inuu ari raaco, awoowihiisna waa ka yeelay, wuxuuna ku yiri:
"Wax ka raac ariga reer Banii Haashim\‫بني هاشم‬."
Sidaas ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ariga reer Banii Haashim \‫بني هاشم‬
buuraha iyo miyiga Makkah\‫ مكة‬ugu raaci jiray.
Sanadka toddobaad
Sanadkiisa toddobaad, wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la joogay awoowihiis Cabdu
Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo jecayl badan iyo beer jilayc ka badan kuwuu caruurtiisa u hayo
isaga u haya.
218
Dhacdooyinka sanadkaan waxaa ka mid ah, sida loo wariyay, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, daafay, uuna dhaafkaas aad ula xanuunsaday. Markaasaa waxaa lagu
daaweeyey Makkah\‫مكة‬, wuuse ka bogsoon waayey cudurka.
Markaasaa Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬waxaa lagu yiri:
"Cukaath‫ عكاظ‬waxaa jooga raahib oo ah wadaad Alle ka cabsi badan oo Nasaara ah, cudurrada
indhahana daaweeya."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬, intuu Nabiga waday, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ayuu Cukaath‫ عكاظ‬u safray.
Cukaath‫ عكاظ‬wuxuu ahaa suuq jaahiliyada jiri jiray, oo Carafaat \‫( عرفات‬Buurta Carafaat-na\‫عرفة‬
waxay Kacbada u jirtaa labo iyo labaatan kiiloomitir) meel aan ka fogayn ku yiillay, waxa lasoo
xadana lagu kala gadan jiray.
Markaasuu wuxuu u yimid wadaadka isagoo daartiisu u xirantahay. Markaasuu Cabdu Al Mudhdhalib‫ عبد المطلب‬wadaadka u dhawaaqay, isaguna wuu jawaabi waayey.
Markaasey daartiisu la gariirtay, ilaa heer uu ka baqay inay kusoo kor dunto. Markaasuu isagoo
dheereynaya soo baxay, uuna yiri:
"Cabdu Al Mudh-dhalibow‫ عبد المطلب‬, wiilkaani waa Nabiga ummaddaan, hadaanan adiga kuu
soo bixi lahaynna daarteydu way isku soo dhici lahayd, oo dumi lahayd. Wiilkaan la noqo,
ilaaliyana, si ayan kuwa ehelu kitaabka ka mid ihi ayan u dilin".
Markuu intaas yirina wuxuu soo dhoweeyey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Sanadkaan toddobaadna, waa sanadkuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬Nabiga , Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam ku roob doonay, sidaan xoogaa ka hor usoo aragnay. Waana isla
sanadkaan toddobaad markuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬hoggaaminayo Wafdiga
Quraysh oo caleemo saarka Boqorka Yaman ee Sayf bin thii Yazin‫ سيف بن ذي يزن‬ka qayb galay
oo u hambalyeeyey. Qisaduna waxay ahayd sidaan soo socota.
Bishaaraynta caalinka yamaneed ee Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
Marka sanad walba bisha Rajab\‫ رجب‬la gaaro, Safarka ganacsiga ee Quraysheed wuxuu u
socdaali jiray magaalada Cadan‫ عدن‬ee dalka Yaman\‫يمن‬, halkaasoo ay ayaamo bisha
Ramadaan‫ رمضان‬ka mid ah ku sugnaan jireen.
Waxay Cadan\‫ عدن‬ka gadan jireen badeecadaha laga ganacsado iyo cadarrada iyo udugyada ay
ka mid yihiin luubaanta iyo fooxa iyo harag shabeelka iyo foolka maroodiga oo Soomaaliya laga
keeni jiray.
Mudadaas kaddibna wuxuu safarku u guuri jiray Sanca‫صنعاء‬, halkaasoo ay nuska dambe ee bisha
Ramadaan\‫ رمضان‬joogi jireen iyo ilaa ay bishu ka dhammaato.
Nabi Muaxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
‫ المطلب‬wuxuu jec1aan jiray inuu Safarkaas Yamaneed hoggaamiyo, maxaa yeelay wuxuu
dalkaas ku lahaa saaxiibbo ka mid ahaa madaxda dalkaas.
219
Markaasey Qurayshi sanadkaas isku diyaarisay Safarkii ay Yaman ku aadi lahayd. Safarkaasu
wuxuu ka koobnaa laba kun oo rati iyo saddex boqol oo nin.
Markaasey Cadan\‫ عدن‬tageen, oo ay xaajadooda ka guteen, kaddibna ay u gudbeen oo ay tageen
Sanca‫صنعاء‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ku degay nin madaxda reer Yaman ka mid ah oo
saaxiibkiis ahaa, wuxuuna guriga ninkaas kula kulmay nin caalin ah oo kutubbadii hore
yaqiinnay, sida Tawraadda Nabi Muuse\‫موسى‬, Caleyhissallaamu, lagu soo dejiyay iyo Injiilka
Nabi Ciise ina Maryama\‫عيسى إبن مريم‬, Caleyhissalaamu, lagu soo dejiyay.
Markaasuu caalinkaasu wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Yaad tahay?"
Wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬yiri: "Reer Banii Haashim\‫بني هاشم‬."
Wuxuu ninkii yiri:
"Ma ii oggolaanaysaa inaan jirkaaga arkoo fiiriyo?"
Wuxuu yiri:
"Haa, intaan cawro ahayn."
Markaasuu caalinkaasi daloolka sanka Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬intuu furay qiyaasay
oo cabbiray.
Kaddibna daloolka labaad sidoo kale u furay oo cabbiray. Intaas kaddib ayuu wuxuu Cabdu Al
Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ku yiri:
"Waxaan markhaati ka ahay inay labadaada gacnood ay midna ku jirto Boqortooyo, midda
kalena Nabinnimo ."
Markaasuu ninkii cabbaar aamusnaa, kaddibna uu yiri:
"Waxaan u jeedaa inay labadaasba ay ku jiraan reer Banii Zuhrata\‫( بني زهرة‬oo ah reerka
Quraysheed ee Aaminatu bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hooyadiis), ee sideebey sidaas ku noqotay?"
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
"Ma ogsooni."
Cab du Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬intuu Makkah\‫ مكة‬kusoo socdayba wuxuu ka fakarayey
wixii uu caalinkaasi ku yiri oo ahayd inay labadiisa gacnood ay midna Boqortooyo ku jirto,
midda kalena Nabinnimo, labadooduna ay ku sugan yihiin reer Banii Zuhrata\‫ بني زهرة‬.
Markaasuu wuxuu soo xusuustay khabarkii Makkah\‫ مكة‬ku faafay ee kaahinadda Quraysh oo
magaceedu ahaa Sawdata\‫سودة‬, khabarkaasoo ahaa sida soo socota.
Haweeneyda la yiraahdo Sawadata waxay ahayd eedada Wahab \‫ وهب‬oo aabihiis ayay la
dhalatay. Wahabna‫ وهب‬waa aabaha dhalay Aaminatu bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis.
Sawdata waxay ahayd kaahinadda Quraysh, oo waxay uga faallin jirtay waxyaalka soo socda oo
mustaqbalka imaan doona, waxayna akhrin jirtay oo ay ku faalin jirtay xiddigaha cirka ku
yaallah.
Sawdata‫ سودة‬waxay ahayd haweeney soomid badan, si uu ruuxeedu xiriir ula yeesho samada
kore, waxyaalo ay odorostayna wayba dhaboobeen oo la arkay. Markaasey waxay Qurayshi tiri:
"Nuurka Ilaahay ayay wax ku aragtaa."
220
Maalin maalmaha ka mid ah ayay Sawdata‫ سودة‬waxay timid gurayaha wiilkay eedada u tahay ee
Wahab\‫ وهب‬, kaasoo ahaa hoggaamiyaha iyo madaxa reerka Banii Zuhrata\‫بني زهرة‬.
Markaasaa waxaa halkaas ugu yimid oo soo booqday haweenka iyo gabdhaha reer Banii Zuhrata
\‫بني زهرة‬.. Sawdata indheheeduna waxay ahaayeen bulug, waxayna ahayd haweeney foolxun,
waxayse ahayd kaahinadda Quraysh u faalisah.
Markay fariisatay ayey haweenkii reer Banii Zuhratana‫ بني زهرة‬hareereheeda fariisteen, oo ay
indhihii oo idil xaggeeda u jeesteen, dhegihii oo idilna ay feejignaadeen.
Markaasey Sawdata‫ سودة‬wajiyada haweenka hareereheeda fadhiyah si qoto dheer u dhugatay oo
ay ugu kuur gashay, kaddibna waxay tiri:
"Reer Banii Zuhrow‫ بني زهرة‬, waxaa idinku jirta haweeney Nathiirad ah\‫( نذيرة‬oo macneheedu
yahay mid, sida Rususha Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, dadka cadaabta Rabbi uga digtah)
ama nin Nathiir ah\‫ نذير‬dhali doontah. Marka haweenkiinna ii soo bandhiga."
Markaasaa la wada aamusay, ayadoo ay hooyo walba ee reerkaasi ay rajeyneyso inay ayada
gabadheedu noqoto midda Nathiiradda ah ama midda ninka Nathiirka ah dhali doontah. Sidaas
ayay hooyo walba gabadheeda ay horteeda usoo fariisisay, oo ay faalisadu ugu kuur gashay.
Sidaas ayay haweeneyda la yiraahdo Barrata bintu Cabdu Al Cuzzaa\‫ برة بن عبد العزى‬gabadheeda
Aaminatu bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬kaahinadda soo hor fariisisay.
Markaasey faalisadu si dhug leh ugu fiirsatay oo ay ugu kuur gashay, ayna labada dalool ee
sanka gabadha dhugatay, oo ay gabadhana dhinac walba ka eegtay. Haweenkii meesha fadhiyay
waxay dareemeen sida dhugta leh oo ay kaahinaddu Aaminah\‫آمنة‬, u baareyso, markaasey wada
aamuseen, oo ay sidaas goobtii oo idil ku xasishay.
Markay baariddeeda dhammaysay ayay kaahinaddii ayadu isla hadashay oo ay nuunaastay, oo
ay guryantay, oo ay wajiga kuduudday, intaas kaddibna uu wajigeeda farax iyo qalbi qaboobid
ka muuqdeen, sida ayadoo warkay goobeysey lagu soo riday, bashimeheeduna ay
dhaqdhaqaaqeen. Markaasuu dareenka iyo dhegaha haweenkii goobjoogga ahaa oo idil xaggeeda
uso jeesteen.
Markaasey waxay tiri:
"Waa middaan midda Nathiirka dhali doontah."
Markaasey indhihii oo dhan Aaminah\‫ آمنة‬soo wada fiiriyeen, oo ay sidaas uga xishood siiyeen,
ayadoo uu ayada qalbigeeduna farax ka buuxsamay.
Waxaa sidoo kale kaahinaddaas la soo hor fariisiyay Haalata bintu Uhayb\‫ هالة بنت أهيب‬oo ay
Aaminah\‫ آمنة‬ilmo adeer yihiin ayadoo labadooda aabbe ay walaalo yihiin.
Markaasey kaahinaddii u kuur gashay, kaddibna sida ayadoo kitaab ka akhrineysa oo kale ayay
waxay ugu sheegtay inay guursan doonto hoggaamiye ka mid ah madaxda Quraysheed, kaasoo
madaxtinnimadii oo idil ay isaga isugu imaan doonto oo ay u sugnaan doonto, wiilkay u dhali
doontana uu shahiidnimo ku dhiman doono. Waxyaalo kale oo qurxoonna oo fiicfiicanna way u
sheegtay.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu Yaman\‫ يمن‬kasoo laabtay intuu dariiqa kusoo jiray
221
aad ayuu uga fakaray wuxuu ninkii caalinka ahaa ku yiri, iyo waxyaalkay kuwa faaliya isaga
hortiis odoroseen. Kuhaantaas waxaaa ka mid ahaa Sawdata\‫سودة‬, Wahab\‫ وهب‬eedadiss,
ahaydna kaahinadda Quraysh oo odorostay inay Aaminah\‫ آمنة‬Nathiir dhali doonto.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu is yiri in hadduu wiilkiisa Cabdu Allaahi
‫ عبد هللا‬Aaminatu bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬u guuriyo waxaa dhaboobeysa bishaaradii caalinkii
reer Yamaneed, oo sidaasaa Nabinnimo ku imaaneysaa, isagoo Nabinnimo waxay tahay si fiican
u ogaa, isagoo intuu hooyadiis Salmaa bintu Camr al Khazrajiyyata \‫ سلمى بنت عمرو الخزرجية‬Al
Madiinah\‫ المدينة‬kula noolaa uu yuhuudda magaaladaas deggan qisooyinka Anbiyada ayagoo ka
sheekeynaya maqli jiray intuu kurayga ahaa.
Wuxuuse arki waayey siday Makkah\‫ مكة‬Boqor u yeelan karto, ayadoo uusan weligeed Boqor u
talin, oo ay hoggaamiyayaakooda iyo odayadoodu wadajir u dejiyaan maamulkeeda.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ahaa nin dheer oo cad oo dadka ugu qurxoon, uguna
waji qurxoon, uguna haybad wayn, oo qofkii arkaba uu ka haybaysto oo uu wayneeyo. Waxaa la
yiri inuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ahaa ninka carbeed oo ugu horreeyey oo timaha
madaxiisa madoobeeya. Runtana Rabbi ayaa ogsoon.
Cumrigiisa inta u dambaysay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ka haray caabudidda
asnaamta, oo ma uusan caabudi jirin, sanad walbana bisha Ramadaan wuxuu geli jiray oo uu
dhexdeeda ku sugnaan jiray oo uu ku keliyeysan jiray godka la yiraahdo Ghaaru Xiraa' ‫غار‬
‫ حراء‬oo ku yaalla dusha buurta la yiraahdo Jabalu Al Nuur‫جبل النور‬, oo saddex kiilomitir
Kacbada xagga Waqooyi Bari ka xigtah.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo Sayf bin Thii Yazin\‫سيف بن ذي يزن‬
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu ku wariyay juzka labaad ee Al Bidaayah wa Al Nihaaya\‫البداية والنهاية‬,
siduu u wariyay oo kale Al Ssaxxaar\‫ السحار‬wuxuu yiri:
Dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ku beegnayd konton
maalmood laynta kuwii maroodiga watay kaddib, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu
u safray Sanca\‫ صنعاء‬ee dalka Yaman\‫يمن‬, isagoo hoggaaminaya wafdiga Quraysh\‫ قريش‬uga qayb
galaya caleemo saaridda Boqorka Carbeed ee Yaman, si ay ugu soo hambalyeeyaan. Boqorkaas
magaciisu wuxuu ahaa Sayf bin Thii (waa thaal korka dhibic ke leh oo deel ku xigah) Yazin bin
Thii Asbaxii (waa saadka aan waxba lahayn oo shiinka ku xigah) bin Maalik bin Zayd bin Sahl
bin Camr bin Qays bin Mucaawiyah bin Jusham bin Cabdi Shams bin Abii Murrah ‫سيف بن ذي يزن‬
.‫بن ذي أصبحي بن مالك بن زيد بن سهل بن عمرو بن قيس بن معاوية بن جشم بن عبد شمس بن أبي مرة‬
Yaman waxay markaas ka hor ahaan jirtay mustacmarad amxaaro muddo ah toddobaatan iyo
labo sano, oo boqorkooda ugu horreeyeyna oo Yaman u taliyana wuxuu ahaa Aryaadh\‫أرياط‬,
kooda ugu dambeeyeyna Masruuq bin Abraha\‫مسروق بن أبرهة‬, uuna dhalay Abraha Al Ashram
‫أبرهة األشرم‬, oo koofaartaas loogu bixiyay isagoo wajiga iyo dhabanka iyo bashimahaba ay isla
jeexnaayeen, oo uu Aryaadh\‫ أرياط‬waran uu ku dhuftay ku jeexay, oo Al Ashram\‫ األشرم‬waxaa
weeye canjeex.
222
Masruuq\‫ مسروق‬waxaa dilay nin Iiraan u dhashay oo ciidammada Sayf bin Thii Yazin ‫سيف بن ذي‬
‫ يزن‬ka mid ahaa, oo magaciisu ahaa Wahriz\‫وهرز‬, ciidammadaasoo Yaman xabashada ka
xoreeyey.
Markaas ayaa Sayf bin Thii Yazin‫ سيف بن ذي يزن‬Boqor ahaan loo caleemo saaray. Wafdiga
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬waxaa ka mid ahaa Umayyah bin Cabdi Shams ‫أمية بن عبد‬
\‫شمس‬, oo ah Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\‫ معاوية بن أبي سفيان‬Allaha raalli ka wada noqdee,
awoowihiis iyo Cabdu Allaahi bin Judcaan‫ عبد هللا بن جدعان‬ee reer Banii Taym\‫بني تيم‬, reerka Abuu
Bakar Al Siddiiqu\‫ أبو بكر الصديق‬iyo Asad bin Khuwaylah bin Cbadul Cuzza ‫أسد بن خويلد بن عبد‬
‫العزى‬a iyo madax kale ee Quraysh iyo gabayaalkooda.
Markay Boqorka Yaman hor yimaadeen, ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wafdigiisa inta
hore uga soo baxay, boqorkana u dhowaaday ayuu wuxuu yiri:
"Boqorku ma ii oggolaanayaa inaan hadlo?"
Markaasuu Boqorku yiri:
"Haddaad tahay nin Boqorrada hortooda hadal ka soo jeediya, hadal waan kuu oggolaannaye."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
‫ وعذيت‬،‫ وأنبتك منبتا طابت أرومته‬،‫إن هللا قد أحلك أيها الملك محال رفيعا صعبا منيعا شامخا باذخا‬
.‫ وبسق فرعه في أكرم موطن وأطيب معدن‬،‫ وثبت أصله‬،‫جرثومته‬
‫ وعمودها‬،‫ ورأس العرب الذي له تنقاد‬،‫ ملك العرب وربيعها الذي تخصب به البالد‬- ‫ أبيت اللعن‬- ‫فأنت‬
‫ فلن يخمد‬،‫ وأنت لنا منهم خير خلف‬،‫ وسلفك خير سلف‬،‫ ومعقلها الذي يلجأ إليه العباد‬،‫الذي عليه العماد‬
.‫ ولن يهلك من أنت خلفه‬،‫من هم سلفه‬
‫ وفد‬،‫ أشخصنا إليك الذي أبهجك من كشف الكرب الذي قد فدحنا‬،‫ونحن أيها الملك أهل حرم هللا وسدنة بيته‬
.‫التهنئة ال وفد المرزئة‬
"Boqorow, Ilaahay wuxuu ku siiyay, kuuna xalaaleeyey meel sarreysah, adag, dhawrsanna, aad u
korreysa oo nicmo iyo barwaaqo badan, wuxuuna kaa dhaliyay asal fiican oo xoog leh,
aslkiisuna uu adagyahay oo sugan yahay, faraciisuna uu kor ahaaday, kuna sugan yahay wadanka
ugu kariimsan iyo dunta ugu fiican.
Waxaadna diiday lacnad , waxaadna tahay Carab Boqorkeeda iyo gargaarohooda barwaaqo miro
badan keena. Adiguna waxaad tahay, Boqorow, madaxa Carabta oo ay u hoggaansanto iyo udub
dhexaadkeeda ay ku tiirsantahay iyo saldhiggeeda iyo cududdeeda ay soo magangasho.
Aabayaalkaagii hore iyo salafkaagu intii horey ugu khayr badnaayeen, adiguna waxaad noo
tahay kuwa dambe kan ugu khayr badan, lamana aqoon waayi doono, oo lumi mayaan kuwa
dambe oo aad adigu salaf iyo asal u tahay. Kuwa aad adiguna taageertidna oo aad dhabarkooda
taagan tahay, lagama adkaan karo oo halaagmi mayaan.
Annaguna Boqorow waxaan nahay Ehelka Xaramka Ilaahay iyo kuwa u adeegga Gurigiisa,
waxaana na soo diray Midka kurbadii weyneyd oo na dul timid naga fayday oo qaaday.
Marka annagu waxaan nahay wafdi hambalyeyn u yimid oo ma nihin wafdi dhibaato keentay."
Markaasuu Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف لبن ذي يزن‬wuxuu yiri:
"Kumaad adigu (ragga wafdiga) ka tahay?"
Wuxuu yiri:
223
".‫"أنا عبد المطلب بن هاشم‬
"Anigu waxaan ahay Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬."
Markaasuu Sayf\‫ سيف‬wuxuu soo xusuustay inuu Haashim\‫ هاشم‬guursaday Salmaa Al
Khazrajiyyah\‫سلمى الخزرجية‬, Khazrajna\‫ الخزرج‬ay reer Yaman\‫ يمن‬yihiin, wuxuuna yiri:
"Ma wiilka walaasheen ayaad tahay?"
Wuxuu yiri:
".‫"نعم‬
"Haa, waxaan ahay wiilka walaashiin."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Adigu ii soo dhowoow."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wafdigiisa kasoo dhaqaaqay oo uu Boqorka
agtiisa yimid.
Markaasuu wuxuu Boqorku ku yiri:
،‫ وعرف قرابتكم‬،‫ قد سمع الملك مقالتكم‬،‫ يعطي عطاء جزال‬،‫ وملكا ربحال‬،‫ ومستناخا سهال‬،‫ وناقة ورحال‬،‫" مرحبا وأهال‬
".‫ والحباء إذا ظعنتم‬،‫ ولكم الكرامة ما أقمتم‬،‫ فأنتم أهل الليل والنهار‬،‫وقبل وسيلتكم‬
"Marxaban\‫( مرحبا‬oo ah kusoo dhowoow meel waasac ah) wa ahlan (oo ah waxaad u timid
ehelkaaga) iyo naaqad (oo hal geel ah, uuna ka wado waxaad u timid xoolahaaga) iyo guri (oo ah
waxaad timid gurigaaga, oo agtayda qariib kuma ihid) iyo Boqor Sibxalan\‫ سبحال‬ah (oo ah
subxaanalaysta) iyo Boqor siin wayn bixiya iyo meel la dego oo sahlan.
Boqorku hadalkiinna wuu maqlay, qaraabannimadiinana wuu ogaaday, xiriintiinana wuu
aqbalay.
Adinku habeen iyo maalinba ehel ayaad tihiin (waa markaad doontaan habeen iyo maalinba waa
ii imaan kartaan).
Intaad joogtaanna (Yaman\‫ )يمن‬waa la idin karaameynayaa, markaad arligiinna dib ugu
noqoneysaanna waxaad leedihiin deeq."
Intaas kaddib wafdiga Quraysh\‫ قريش‬wuxuu tegey oo uu degey guriga martida, halkaasoo ay bil
ku sugnaaneeyeen, ayagoo aan Boqorka la xiriirin, isaguna uusan u oggolaan inay Makkah \‫ مكة‬u
gaddoomaan.
Kaddib wuxuu Boqorku usoo ciddiray Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, oo markuu u yimid uu
agtiisa fariisiyay, lana keliyeystay ayadoo ayan cid saddexaad wehlin, wuxuuna ku yiri:
"Cabdul Mudhalibow‫عبد المطلب‬, waxaan kuu soo gudbinayaa sir ka mid ah cilmigeyga, oo cid
aan adiga ahayn aanan u sheegi lahayn, waxaanse arkay inaad ehel u tahay, marka waan kuu
sheegayaa. Marka sirtaan qari intuu Ilaahay ka ithmo in la qariyo, maxaa yeelay Ilaahay
amarkiisaan wuu meel marinayaa.
Anigu waxaan kutubbada la hubo iyo cilmiga kaydsan oo annagu nafafteenna u doorannay aanna
xujjo ka dhigannay dadka kale sokadiisa, ka helay khabar wayn iyo khatar ballaaran, ayna
224
dhexdiisa ku sugantahay sharafta nolosha iyo dhimasho dadka kale wax la dheer yahayba, ayna
ugu sugan yihiin dadka oo idil reerkiinana gaar u ah."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
‫ فما هو فداؤك أهل الوبر زمرا بعد زمر؟‬،‫أيها الملك مثلك سر وبر‬
"Boqorow, adigoo kale waxbuu siraystaa oo uu wanaagna falaa, ee sirtaasi maxay tahay,
Furashadaadu waxaa weeye inta miyi iyo magaalaba degane? "
Wuxuu Sayf\‫ سيف‬yiri:
"Markuu arliga Tihaamata\‫( تهامة‬waana gobolka ay ku yaalliin Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
‫ المكرمة‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬iyo Yama\‫ )يمن‬ka dhasho wiil labada garab
dhexdooda ku leh Shaamatun\‫( شامة‬oo ah bar madow oo soo kuusan oo ukunta qoolleyda le'eg
xoogaa timo ahna ku yaallaan, waana Khaatimka Nabinnimada\‫ )خاتم النبوة‬ku leh isagaa Imaam
(waa hoggaamiye iyo madaxweyne) iyo Madax noqonaya, adinkuna waxaad isaga ku heleysaan
madaxtinnimada kuna lahaaneysaan ilaa maalinta qiyaame."
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu wariyay inuu boqorku ugu jawaabay oo yiri:
".‫ ولكم به الزعامة إلى يوم القيامة‬،‫ كانت له اإلمامة‬،‫ بين كتفيه شامة‬،‫" إذا ولد بتهامة غالم به عالمة‬
“Markuu gobolka Tihaamah ku dhasho wiil calaamad ku leh labadiisa garabf dhexdooda oo bar
ah, isagaa madaxtinnimada la wareegaya, adinkuna waxaad daraadiis ku heleysaan
madaxtinnimada ilaa maalinta qiyaame“
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
،‫ لسألته من بشارته إياي‬،‫ ولوال هيبة الملك وإجالله واعظامه‬،‫ لقد أبت بخير ما آب به وافد‬:- ‫ أبيت اللعن‬.‫ما ازداد به سرورا‬
“Waxaad ka warrantay waxa ugu khayr badan oo ergo wafdi ah looga warramo, haddayan ahaan
lahaynna haybadda iyo waynaanta boqorka aan weyneynayo waxaan weydiin lahaa inuu
bishaarooyinkaas wiilkaas ku saabsan uu wax iiga sheego, taasoo ergadaas farax usii kordhin
lahayd.”
Boqorku wuxuu yiri:
‫ وهللا‬،‫ ولدناه مرارا‬،‫ ويكفله جده وعمه‬،‫ يموت أبوه وأمه‬،‫ واسمه محمد‬،‫ أو قد ولد‬،‫ هذا حينه الذي يولد فيه‬:‫قال ابن ذي يزن‬
‫ ويستبيح بهم كرائم‬،‫ ويضرب بهم الناس عن عرض‬،‫ ويذل بهم أعداءه‬،‫ يعزبهم أولياءه‬،‫ وجاعل له منا أنصارا‬،‫باعثه جهارا‬
‫ يأمر بالمعروف‬،‫ وحكمه عدل‬،‫ قوله فصل‬،‫ ويدحر الشيطان‬،‫ يعبد الرحمن‬،‫ ويخمد النيران‬،‫ يكسر األوثان‬،‫أهل األرض‬
.‫ وينهى عن المنكر ويبطله‬،‫ويفعله‬
225
“Waxaa hadda soo galay waqtiguu dhalan lahaa, ama waaba dhashay, magaciisuna waa
Muxammad\‫محمد‬. Aabihiis iyo hooyadiis way dhimanayaan, waxaana kafaalo qaadaya
awoowihiis iyo adeerkiis, annaguna waxaan dhalnay marar badan (oo hooyooyinka aabayaalkiis
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam qaarkood waxay ahaan oo u dhashay reer Yaman \‫يمن‬, sida
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬hooyadiis ooo kale Salmaa bintu Camr Al Khazrajiyyah ‫سلمى‬
‫)بنت عمرو الخرجية‬, Ilaahayna si caddaan ah ayuu uspp diri doonaa. Ilaahayna wuxuu u yeeli
doonaa Ansaar annaga naga dhashay, uu Ilaahay ku xoojinayo kuwa Isaga u hoggaansan, uuna
cadawyadiisa ku dulleynayo, uuna dadka kula dagaallamayo, uuna ku xalaalaysanayo karaa’imta
arliga dadka deggan. Wuxuu burburinayaa asnaamta, Al Rraxmaanna wuu caabudayaa,
shaydaankana wuu fogeynayaa. Xukunkiisuna waa caadil garta sooraya. Wuxuu dadka farayaa in
waxa suuban la falo, waxa xunna wuu ka reebayaa wuuna burinayaa.”
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
،‫ فهل الملك سار لي بافصاح‬،‫ فهذا نجاري‬- ‫ وطال عمرك‬،‫ ودام ملكك‬،‫ وعال كعبك‬،‫ عز جدك‬- ‫“أيها الملك‬
”.‫فقد أوضح لي بعض اإليضاح‬
“Boqorow, weynaantu cizzi iyo xoog ha u ziyaado, ciribtaaduna ka kor ahaato,
boqortooyadaaduna ha wart, cumrigaaguna ha dheeradu, intaas waa qaadannay, ee boqorku ma
igu siraysanayaa caddayn dheeri ah, isagoo hore caddaymaha qaarkood i siiyay.”
Markaasuu boqorku wuxuu yiri:
،‫ ارفع رأسك‬:‫ فخر عبد المطلب ساجدا فقال‬،‫ إنك يا عبد المطلب لجده غير كذب‬،‫ والعالمات على النقب‬،‫والبيت ذي الحجب‬
‫ فهل أحسست شيئا مما ذكرت لك؟‬،‫ وعال أمرك‬،‫ثلج صدرك‬
“Waxaan ku dhaartay Guriga Xaajibka leh iyo calaamadaha jiiraha ee adigaa Cabdu Al Mudhdhalibow\‫ عبد المطلب‬awoowihiis ah oo aan been ahayn.”
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬sujuud dhulka ula dhacay.
Markaasuu boroku wuxuu ku yiri:
‫ فهل أحسست شيئا مما ذكرت لك؟‬،‫ وعال أمرك‬،‫ ثلج صدرك‬،‫ارفع رأسك‬
Madaxaaga kor usoo qaad, qalbigaagu ka qaboobo (farax daraadiis), amarkaaguna ha kor maro,
ee adigu wax ma dareentay ku saabsan waxaan kaaga warramay?”
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
،‫ فزوجته كريمة من كرائم قومه آمنة بنت وهب‬،‫ وعليه رفيقا‬،‫ وكنت به معجبا‬،‫أيها الملك كان لي ابن‬
.‫ وكفلته أنا وعمه‬،‫ فمات أبوه وأمه‬،‫فجاءت بغالم سميته محمدا‬
226
“Boqorow, waxaan lahaa wiil, waana jeclaa, waana u naxariis badnaa. Markaasaan waxaan u
guuriyay gabar ka mid ah gabdhaha sarreeya ee tolkiis ahna Aaminah bintu Wahab. Markaasay
waxay dhashay wiil aan Muxammad u biyay. Aabihiis iyo hooyadiisna way dhinteen, waxaana
kafaalo qaadnay aniga iyo adeerkiis.”
Boqorku wuxuu yiri:
‫ ولن يجعل هللا لهم عليه‬،‫ فإنهم له أعداء‬،‫ واحذر عليه اليهود‬،‫ فاحتفظ بابنك‬،‫ إن الذي قلت لك كما قلت‬:‫قال ابن ذي يزن‬
،‫ من أن تكون لكم الرياسة‬،‫ فإني لست آمن أن تدخل لهم النفاسة‬،‫ واطو ما ذكرت لك دون هؤالء الرهط الذين معك‬،‫سبيال‬
‫ لسرت‬،‫ ولوال أني أعلم أن الموت مجتاحي قبل مبعثه‬،‫ فهم فاعلون أو أبناؤهم‬،‫ وينصبون له الحبائل‬،‫فيطلبون له الغوائل‬
.‫بخيلي ورجلي حتى أصير بيثرب دار مملكته‬
،‫ ولوال أني أقيه اآلفات‬،‫ وموضع قبره‬،‫ وأهل نصرته‬،‫ أن بيثرب استحكام أمره‬،‫ والعلم السابق‬،‫فإني أجد في الكتاب الناطق‬
‫ عن غير تقصير‬،‫ ولكني صارف ذلك إليك‬،‫ وألوطأت أسنان العرب عقبه‬،‫ ألعلنت على حداثة سنه أمره‬،‫وأحذر عليه العاهات‬
‫بمن معك‬
“Waxaan iri waxay la mid yihiin waxaad tiri, marka wiilkaaga dhawr, yuhuudana ka ilaali,
maxaa yeelay cadaw ayay u yihiin, Ilaahay (yuhuudda) gacanta sare siin mayo. Warkaan aan kuu
sheegayna raga kula socda sokadooda ayagaas ka qari, maxaa yeelay anigu waxaan uga baqayaa
inay quluubtooda gasho tartan (xaasidnimo) inay ayagu madaxtinnimada yeeshaan. Markaasay
waxay u dhigayaan dabinno iyo khayaanno iyo qorshe xun. Ayagaa sidaas yeelaya ama
caruurtooda. Aniguna haddaan ogaan lahayn inay geeridu ii imaanayso soo diriddiisa ka hor,
waxaan fardahayga iyo lugteydaba ku aadi lahaa si aan ku tago Yathrib \‫يثرب‬, taasoo ah
caasimadda boqortooyadiisa..
Anigu waxanna ka helay kutubbada runta ku hadla iyo cilmiga horreeyey inay Yathrib \‫ يثرب‬,
tahay barta xukunkiisa, ayna deggan yihiin dadka ansaarta u ah oo u gargaari doona, iyo barta
qabrigiisaba.
Haddayan ahaan lahayn inaan ka ilaalinayo dhibaatooyinka, aanna uga baqayo xumaan haleesha,
isagoo hadda sidaas u da’ ayaan runta amarkiisa shaaca ka qaadi lahaa, ciribtiisuna waxay ku
tillabsanaysaa ilkaha carabta.
Laakiin taas adigaan kuu daynayaa, anigoo kuwa kula socdana aan waxba ka hagran.”
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu soo xusuustay oo hadana isku xiray
waxyaalkuu meelo kala duwan hore uga maqlay iyo waxay wadaadada iyo kuhaantuba
odoroseen, sida caalinkii Sanca hore ugula kula kulmay, oo ku yiri:
"Labadaada gacnood midna waxaa ku jirta Boqortooyo, midna Nabinnimo", iyo kaahinadda
Quraysh\‫ قريش‬oo Aaminah bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬ku tiri:
"Middaan ayaa nin Nathiir ah dhali doontah", iyo haatifkii Aaminah bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬
u yimid markay uurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday oo ku yiri:
"Waxaad qaaday hoggaamiyaha Ummaddaan",
markay dhalayseyna ku amray inay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u bixiso.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu soo xusuustay inuu waqtigaas uu joogo, uu wiilkuu
awoowaha u yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Xaliima Al Sacdiyyah\‫ حليمة السعدية‬la
joogo oo ay nuujineyso, kuna sugan yahay miyiga Makkah \‫مكة‬, arliga reer Banii Sacad bin
Bakar\‫بني سعد بن بكر‬.
227
Markaas kaddib ayuu Boqorku u oggolaaday inuu wafdiga Quraysh dalkiisa dib ugu laabto,
wuxuuna xubin kasta oo wafdigaas ka mid ah hadiyad ahaan u siiyay toban addoon oo rag
madmadow ah iyo toban addoon oo haween madmadow ah, iyo labo xullo\‫( حلة‬oo middiiba laba
go' oo isku eg yihiin), oo ah dhar qurxoon oo qaali ah, iyo shan rodol oo dahab ah, iyo toban
rodol oo qalin ah iyo haan uu canbar ka buuxo.
Cabdu Al Mudh-dhalibna‫ عبد المطلب‬wuxuu Boqorku siiyay intaas toban jibaarkeeda. Markuu
wafdigu Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬kusoo laabtay, oo uu warka hadiyadahaas uu
Boqorku Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬soo siiyay shaacay, ayay xasdeen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬intuu istaagay khudhbeeyey, oo uu yiri:
‫ ولكن ليبغبطني بما‬،‫ فإنه إلى نفاد‬،‫ ال يغبطني رجل منكم بجزيل عطاء الملك و إن كثر‬:‫“ يا معشر قريش‬
”.‫ سيعلم ولو بعد‬:‫ فإذا قيل له متى ذلك؟ قال‬،‫ وشرفه‬،‫ وفخره‬،‫ ذكره‬،‫يبقى لي ولعقبي ومن بعدي‬
"Qurayshee, yuusanna ninna ghibdhiyyin\‫( الغبط‬oo al ghibdhu waxaa weeye inuu qof jeclaado in
waxa fiican oo qof kale la siiyay isagana la siiyo, oo waa xaasidnimo aan xumaani ku jirin iyo
inuu qofkaasi waxaas fiican uu waayo oo ay seegaan: bal fiiri edebta sarreysa ee Cabdu Al
Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo afkiisa erayga xaasidnimo ka dhawray) waxa badan oo uu Boqorku i
siiyay, maxaa yeelay in kastoo ay waxaasi badan yihiin, hadana way dhammaanayaan, ee
waxaad igu ghibdhisaan waxaan leenahay aniga iyo ciribteyduba oo weligeed raagaya oo faan
iyo sharaf iyo madaxtinnimaba noo ah."
Waxay yiraahdeen:
"Waxaasna waa maxay?"
Wuxuu yiri:
”.‫“سيعلم ولو بعد‬
"Waad ogaan doontaan, muddo kaddib-ba ha ahaatee."
Sanadka sideedaad
Sanadka sideedaad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa
dhintay awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬, waxaana lagu
duugay xabaalaha Makkah ee Al Xajuun\‫ الحجون‬ama Mucallaah\‫المعالة‬, oo dhawr boqol oo mitir
Kacbada xagga Waqooyi/Bari ka xigah, siduu Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬iyo ghayrkiisba ay u
wariyeen.
Kitaabka Taariikhu Al Khamiisi\‫ تاريخ الخميس‬wuxuu Mughladhaay\‫ مغالطاي‬ka wariyay inuu
wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la waydiiyey:
"Ma xussuusantahay dhimashada Cabdu Al Mudh-dhalib\‫"?عبد المطلب‬
228
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ أنا يومئذ إبن ثمان سنين‬،‫"نعم‬
"Nacam, anaa yawma'ithin ibnu thamaani siniina",
oo macneheedu yahay:
"Haa, anigoo markaas sideed sano jira."
Kafaala qaadka Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
Dhacdooyinka sanadkaan sideedaad waxaa ka mid ah inuu geerida awoowihiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬kaddib uu adeerkiss Abuu Dhaalib ‫أبو‬
\‫ طالب‬kafaalo qaaday, oo uu gurigiisa u wareegay.
Kafaalo qaadkaas Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬adeerradiisa kale sokadooda waxaa u sabab ah inay
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis Cabdu Allaahi \‫ عبد هللا‬iyo Abuu Dhaalib ‫أبو‬
\‫ طالب‬isku hooyo ahaayeen, ayna wada dhashay Faadhimatu bintu Camr bin Caa'ith bin Cabdu
bin Cimraan bin Makhzuum bin Yaqthata bin Murrah ‫فاطمة بنت عمرو بن عائذ بن عبد بن عمران‬
‫بن مخزوم بن يقظة بن مرة‬, una dhalatay Qurayshta reer Banii Makhzuum\‫بني مخزوم‬.
Waxaa kaloo la hooyo ah Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫الزبير بن عبد المطلب‬, adeerka
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu lahaa caruur badan, maalkiisuna waa yaraa. Marka wuxuu arkay
in markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caruurtiisa cunnada la cuno ay
dhammantood dhergayaan, haday ayaga keligood cunaanna ayanna marna dhergeyn, ha wada
cunaan ama ha kala cunaane.
Markuu taas arakay ayuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬markuu doonayo inuu caruurtiisa qado ama
casho siiyo, ayuu wuxuu ku oran jiray:
"Sidiinna ahaada, ilaa uu wiilkaygu ka yimaado."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadaa oo uu la cunaa, markaasey
intay dhergaan cunno kasoo harataa.
Caanahana hal weel ayay ka cabi jireen, oo markuu kan hore ka cabbo ayuu mid kale u gudbin
oo uu kaasna ka caabbi jiray ilaa ay dhammaantood ka dhergaan, markuu Nabigu. Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, la cabbo, haddii kalena midkood keli ah ayaa weelkaas dhammaysan jiray
uusanna ku filnayn.
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu ku yiraahdaa:
"Adigu waad barakaysan tahay."
Ibnu Cabbasna\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay, iyo ghayrkiisba, waxaana ka waraiyay Abuu
229
Nucaym\‫أبو نعيم‬, inuu yiri:
"Ilmaha Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬waxay waabariisan jireen ayagoo baqbaq leh indhihuna
dureeryaan, Nabiguna wuxuu soo kici jiray isagoo dhalaalaya, subkan oo indha kuulan."
Abuu Dhaalibna\‫ أبو طالب‬wuxuu u jeclaa jecayl xoog badan oo uusan caruurtiisa sidaas oo kale
u jelayn, sidaas daraadeedna ma uusan seexan jirin isaga dhiniciisa hurdo mooyee, markuu
baxayana wuu wadan jiray.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬caruurtiisa marka xeerada cunnadu ku jirto lasoo dhex dhigo way boobi
jireen, isaguna, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, gacantiisa aad uma taagi jirin, xishood uu ka
xishoonayo inuu luqmad uu midkood doonayo inuu qaato, iyo qanaaco uu qalbigiisu ku qancay.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu lahaa dukaan uu ku gado cadarka iyo luubaanta iyo bukhuurka,
oo uu dalal kale ka keeni jiray. Wuxuu kaloo lahaa in geel ah.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬lug ayuu ka dhutin jiray, dhaawac ku gaaray dagaalkii Xarbu Al
Fijjaari\‫حرب الفجار‬.
Roob doonta Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
Dhacdooyinka sanadkaan waxaa ka mid ah inay Makkah\‫ مكة‬haleeshay abaaru xun.
Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬wuxuu al callaamah ibnu Curfudhah\‫ العالمة إبن عرفطة‬ka wariyay inuu yiri:
"Waxaan imid Makkah\‫ مكة‬oo abaari hayso. Markaasuu midkood (waa odayada Qurayshe)
wuxuu yiri:
"U taga oo barya Al Laata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫العزى‬."
Midkooda kalena wuxuu yiri:
"Waxaad baridaan Manaata\‫مناة‬, tan saddexaad".
Markaasuu oday qurxoon oo waji qurxoon oo talo fiican wuxuu yiri:
"Maxaad beenta u abuuraneysaan, ayadoo uu idinku dhex jiro haraaga Ibraahiim \‫ إبراهيم‬iyo
dhasha Ismaaciil\‫"?إسماعيل‬
Waxay yiraahdeen:
"Waxaad mooddaa inaad ka wadid Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬."
Wuxuu yiri: "Haa."
Markaasey dhammaantoodu kaceen, aniguna aan la kacay. Markaasaan albaabka ku garaacnay.
Markaasuu noo soo baxay, oo ayaguna ku keceen, oo ay yiraahdeen:
"Abuu Dhaalibow\‫ ! أبو طالب‬Waadigu waa abaareystay, caruurtiina way gaajoodeen oo ay
sabooleen, ee soo bax oo roob doon."
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬soo baxay, isagoo uu la socdo wiil aad moodid qorraxda
maalin mugdi ah (oo iftiinkeedu aad u xoog badan yahay, ayadoo uu mugdigu aftiinka
muujinayo) oo ay daruur madow ka faydantay, oo iftiin badan aanse dadka gubayn,
230
hareerihiisana ay joogaan wiilal . Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wiilka (waana Nabigee,
Sallaa Allahu Calayhi Wasallam) qabtay oo uu (intuu Kacbada geeyey) dhabarkiisa Kacbada ku
dhejiyay, wiilkuna uu fartiisa Samada kor ugu fiiqay, ayadoo ayan Samada xattaa go' yar oo
daruur ahi ku sugnayn.
Markaasey daruuruhu dhankaan iyo dhankaanba, oo jihooyinkoo idil isaga yimaadeen, daruuro
biyo badan, markaasaa roob badan oo dhibco badan soo da'ay. Markaasaa waadiga biyo ka
buuxsameen oo ay dureereen oo socdeen, uuna Magaalada iyo Miyigubba barwaaqoobeen."
Markaasuu Abuu dhaalib wuxuu gabay ku yiri:
‫ثمال اليتامى عصمة لألرامل‬
‫فهم عنده في نعمة وفواضل‬
‫وإبيض يستسقى الغمام بوجهه‬
‫يلوذ به الهالك من آل هاشم‬
1.Wa abyadu yustasqaa al ghamaamu bi wajhihi
Thimaala al yataamaa Cismatan lil araamili.
2. Yaluuthu bihi al halaaka min Aali Haashimin
Fa hum cindahu fii nicmatin wa fawaadili.
Labada tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Wuu cad yahay, wajigiisa daraadeed ayayna daruuruhu roob ku di'iyaan/Wuxuu u gargaaraa
oo uu daafacaa agoonta iyo saboolka.
2. Reer Banii haashim diyaar ayay u yihiin inay daraadiis u dhintaan/Isagoo ayaga u ah nicmo,
naxaris iyo fadli.
Nacaybka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee asnaamta
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa la gaaray ciid ay Qurayshi u ciidi jirtay sanam
asnaamtooda ka mid ah, oo uu dadku agtiisa isugu imaan jiray sanadkiiba mar, halkaasoo ay
xoolo ugu qalaan, kuna caabudaan.
Markaasey markii maalintaas la gaaray ayay rag iyo haweenba isu yimadeen, si ay isku raacaan.
Marka guriga la bixi lahaa, ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, diiday inuu raaco.
Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"So na raaci maysid?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"ال‬
"Laa", oo ah maya.
Markaasey rag iyo haweenba isugu tageen oo ay baryeen, oo ay bajiyeen oo ay ku boorriyeen
inuu raaco ilaa uu ka yeelo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waxaa isaguna yimid nin faaliye ah oo u dhashay qabiilka Carbeed ee Lihb\‫لهب‬, ayna ragga
Quraysh wiilashooda u keeneen si uu mustaqbalkooda ugu odoroso, oo uu waxna uga sheego.
Markaasuu Abuu Dhaalibna\‫أبو طالب‬
wiilkuu adeerka u yahay, Sallaa Allaahu Calayhi
231
Wasallam, u keenay, si uu malaha mustaqbalkiisana wax uga sheego iyo sababta uu sidaas wayn
asnaamta ugu neceb yahay.
Markaasuu faaliyuhu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fiiriyay, kaddibna uu ka
mashquulay ayadoo ay wax kaleeto dareenkiisa jiiteen. Markuu waxaas mashquuliyay kasoo
jeestay, ayuu faaliyuhu wuxuu yiri:
"Igu soo celiya wiilka. War hooy! igu soo celiya wiilka aan in yar ka hor arkay. Wa Allaahi \‫وهللا‬
wiilkaasu wuxuu leeyahay mustaqbal wayn."
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬markuu arkay siduu faaliyuhu u daneynayo, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ayuu ka qariyay oo uu meesha lagu ciidayo la aaday. Bartaas lagu ciidayo waxaa
dhulka surnaa asnaam taagtaagan, oo ay dadku ugu dhawaafayaan sida Kacbada loogu dhawaafo
oo kale, agtoodana ay xoolo ugu gawracayaan, ayna xoolahaas laftooda ku dul dhawaafayaan
ayagoo sidaas ku doonaya raalli gelinta asnaamtaas aya caabudaan.
Meeshaas waxaa lagu shiday luubaan iyo foox iyo bukhuur. Intay waxaasoo idil socdaan, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meel bartaaas ka fog ayuu taagan yahay oo uu
waxa dhacaya ka fiirsanayaa, isagoo aan kala qayb gelin waxay samaynayaan.
Mar ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, in yar u dhowaaday sanam si uu u fiiriyo.
Markaasaa isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo sanamka ayaa waxaa soo dhex galay nin
muuqaalkiis oo dheer, oo ku qayliyay, kuna amraya inuusan u dhowaan oo uu dib uga noqdo.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu waxaas uu arkay ka naxay, ayuu isagoo
ordaya guriga ku noqday, uuna halkaas ugu yimid Ummu Ayman Barakah\‫أم أيمن بركة‬, oo aan
ciidaas kala qayb gelin. Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay weydiisay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxa ku dhacay oo uu la naxsanyahay, wuxuuna yiri:
".‫"إني أخشى أن يكون بي لمم‬
"Innii akhshaa an yakuuna bii lamamun",
oo macneheedu yahay:
"Anigu waxaan ka baqayaa inuu shaydhaan i taabtay."
Waxay tiri:
"Maxaad aragtay?"
Wuxuu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
".‫ التمسه‬،‫ "وراءك يا محمد‬:‫"إني كلما دنوت من صنم تمثل لي رجل أبيض طويل يصيح بي‬
"Innii kullamaa danawtu min sanamin tamath-thala lii rajulun abyadhun
dhawiilun yasiixu bii: "Waraa'aka yaa Muxammadu, laa tamas-hu",
oo macneheedu yahay:
"Anigu mar kasta oo aan sanam u dhowaado, waxaan arkaa nin cad oo dheer oo igu qaylinaya
oo i leh:
"Dib u noqo Muxammadow\‫محمد‬, hana taaban."
232
Markaasey Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay tiri:
"Ilaahay kugu ibtileyn mayo Shaydhaan, adigoo leh intaasoo khasladood, waa tilmaamee, oo
khayr ah".
Sanamkay maalintaas Qurayshi\‫ قريش‬u ciideysana wuxuu ahaa midka la yiraahdo
Buwaanah\‫بوانة‬.
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu Al Bidaayah wa Al Nihaaya\‫ البداية والنهاية‬ku wariyay, inuu Zayd bin
Xaarithah\‫ زيد بن حارثة‬yiri:
"Waxaa jiray sanam la yiraahdo Isaaf\‫ إساف‬iyo Naa'ilah\‫( نائلة‬waxayna ahaayeen labo sanam oo
Kacbada agteeda surnaa, waana Islaamka hortiis), nuxaasna ka samaysan, oo ah mushrikuuntu
salaaxi jireen markay dhawaafaan.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawaafay, aniguna aan la
dhawaafay. Markaasaan markaan soo maray aan salaaxay. Markaasuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"التمسه‬
"La tamashu", oo ah:
"Ha taaban."
Zayd\‫ زيد‬wuxuu yiri:
"Markaasaan dhawaafnay, oo aan naftaydu isku iri:
"Waan salaaxayaa, si aan u ogaado waxa ahaan doona."
Markaasaan salaaxay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
yiri:
"‫"ألم تنه؟‬
"Alam tunha?", oo ah:
"Soo lagaama reebin?"
Al Bayhaqii\‫ البهقي‬wuxuu yiri:
"ghayrkiisna wuxuu ku daray, isagoo ka wariyay Muxammad bin Camr\‫محمد بن عمر‬,
isnaadkiisana ku wariyay, wuxuuna yiri:
"Zayd\‫ زيد‬wuxuu yiri:
"Waxaan ku dhaartay Midka karaameeyey oo Kitaabka kusoo dejiyay inuusan waligiis sanam
taaban ilaa uu Ilaahay ku karaameeyey waxa uu ku karaameeyey (oo ah Nabinnimada iyo
Rasuulnimada), kitaabna uu kusoo dejiyay."
Sanadka sagaalaad
Dhacdooyinka sanadka sagaalaad ee kasoo wareegay dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa
Allahu Calayhi Wasallam, sida riwaayadaha qaarkood kusoo aroortay, adeerkiis Abuu Dhaalib
\‫ أبو طالب‬ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u watay magaalada Busraa \‫ بصري‬ee
arliga Shaam\‫الشام‬. Busraa\‫ بصرى‬waa magaalo u dhexeysa Dimishiq ee arliga Shaam \‫ الشام‬iyo Al
Qudus\‫ قدس‬ee arliga Falasdhiin‫فلسطين‬, waxayna ka mid tahay dawladda Suuriya, maantana
waxaa la yiraahdaa Darcaa\‫درعى‬, oo burburkeedu agteeda ku taallo.
233
Sanadka tobanaad
Dhacdooyinka dhacay sanadka tobanaad ee kasoo wareegay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah dagaallada la yiraahdo Xarbu Al Fijjaari\‫حرب الفجار‬, oo
macneheedu yahay dagaalka bisha xurmada leh lagu xad gudbay, oo fajara macneheedu waxaa
weeye waa xad gudbay.
Kan ugu horreyana ee dagaalladaasna wuxuu ka dhacay meesha la yiraahdo Cukaath ‫ عكاظ‬.
Dagaalkaasi wuxuu socday saddex maalmood. Dagaalkaasi siduu ku bilowday waxay ahayd
sidatan soo socota.
Xarbu AI Fijjaari\‫حرب الفجار‬
Ninka la yiraahdo Badr bin Mughiith\‫بدر بن مغيث‬, una dhashay qabiilka Carbeed ee Ghifaar\‫ غفار‬,
ayaa dadka bartaas, oo suuq ahayd, u faanay, oo intuu lugtiisa soo fidiyey yiri:
"Anigaa Carabta ugu caziizsan, oo ah ugu xoog badan. Marka qofka sheeganaya inuu iga caziiz
san yahay seef ha ku dhufto."
Markaasaa waxaa soo booday nin u dhashay reer Banii Al Nadr bin Mucaawiyah ‫بني النضر بن‬
‫معاوية‬, oo la yiraahdo Al Axmaru bin Maazin\‫األحمر بن مازن‬, oo inta seef soo qaatay oo uu jilibka
uga dhuftay lugta ka gooyey.
Sidaasuu dagaalku ku bilowday. Xarbiga labaad ee Al Fijjaari, oo ah Al Fijjaaru Al Thaanii ‫الفجار‬
‫الثاني‬, wuxuu isaguna ka bilowday suuqa Cukaath\‫عكاظ‬, oo ah suuq jaahilyada jiri jiray, Carafaatna u dhow, oo gaar ahaan waxa la soo xado lagu kala gadan jiray.
Sababta dagaalkaan kicisay waxay ahayd sidatan: haweeney reer Banii Caamir\‫ بني عامر‬u
dhalatay ayaa suuqa fadhiday. Markaasaa waxaa haweentaas ku dul wareegay nin dhallinyaro ah
oo Quraysh\‫ قريش‬ah ee reer Banii Kinaanah\‫ بني كنانة‬ah, ayna saaxiibbo uu leeyahay ay la
socdaan.
Markaasey waxay haweentaas weydiisteen inay xijaabka wajigeeda saaran ay ka feydo, si ay
wajigeeda u arkaan, ayaduna way ka diiday.
Markaasu mid raggaasi ka mid ihi intuu istaagay oo uu fadhiga ka kacay ayuu wuxuu fariistay
haweenta dhabarkeeda, oo uu markaas darafta hoose cambuurkeeda wuxuu qodax kula qabtay
dhabarkeeda iyo barideeda korkeeda. Markaasey markay sare kacday oo ay istaagtay waxaa
muuqatay barideeda oo qaawan. Markaasey ku qosleen, oo waxayba ku yirahdeen:
"Waxaad noo diiday aragtida wajigaaga, waxaadse noo oggolaatay inaan dabadaada aragno."
Markaasey haweentii qaylisay, oo ay tiri:
"Yaa reer Caamir ahay!\‫"يا بني عامر‬
Markaasey reer Caamir\‫ بني عامر‬oo hubaysan soo boodeen oo ay ragga reer Kinaanah\‫ كنانة‬la
dagaallameen, oo uu halkaas dhiigga labada dhinacba ku daatay.
Waxaa labada qolo dhexdhexaadiyay Xarb bin Umayyah\‫حرب بن أمية‬, Abuu Sufyaan\‫أبو سفيان‬
aabihiis, oo kala raalli geliyay.
Sababta dagaalka saddexaad ee Xarbu Al Fijjaari al Thaalith \‫حرب الفجار الثالث‬, wuxuu ahaa
234
isaguna sidatan.
Nin u dhashay reer Jusham bin Caamir\‫جشم بن عامر‬, ayaa wuxuu dayn ku lahaa nin reer Banii
Kinaanah\‫ بني كنانة‬u dhashay. Markaasuu kii daynta lagu lahaa uusan dayntii iska bixin, wuunaba
kasii jeestay.
Markaasuu muran dhex maray. Markaasey labada qabiil dagaallameen, waxaana maalkiisa ku
heshiisiiyey Cabdu Allaahi bin Judcaan\‫عبد هللا بن جدعان‬, Abuu Bakr Al Siddiiq\‫ أبو بكر الصديق‬ina
adeerkiis ee reer Banii Taym\‫ بني تيم‬isaguna u dhashay, oo ahaa nin maalqabeen ah.
Xarbu Al Fijjaari Al Aakhir\‫حرب الفجار اآلخر‬, oo ah midka dagaalladaan ugu dambeeyey, Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joog ayuu ahaa, maalmaha qaarkood, sidaan ku arki
doonno dhacdooyinka sanadka afar iyo tobnaad, inshaa'a Allaahu.
Sanadka kow iyo tobnaad
Sanadka kow iyo tobnaad oo kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhacdooyinkeeda waxaa ka mid ah, siduu Ubayyah bin Kacb\‫ أبي بن كعب‬uga wariyay Abuu
Hurayrah\‫ أبو هريرة‬oo sheegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waydiiyey, isagoo ku dhiirranaa inuu waydiiyo arrimo uusan ghayrkiis ku dhicin inuu waydiiyo,
uuna yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, muxuu ahaa waxa ugu horreeyey oo aad amarka Nabinnimada ka
aragtay?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si fiican u fariistay, oo uu yiri:
‫ فإذا برجل يقول‬.‫ وإذا بكالم فوق رأسي‬،‫ يا أبا هريرة! إبي في صحراء إبن عشر سنين وأشهر‬،‫"قد سألت‬
‫ وثياب‬،‫ وأرواح لم أجدها من خلق قط‬،‫ "هو هو!" فأخذاني فاستقبالني بوجوه لم أرها لخلق قط‬:‫لصاحبه‬
‫ فقال‬.‫ الأجد ألحدهما مسا‬،‫ فاقبال إلي يمشيان حتى أخذ كل واحد منهما بعضدي‬.‫لم أرها على خلق قط‬
‫ فهوى‬."‫ "افلق صدره‬:‫ فقال أحدهما لصاحبه‬.‫" فاضجعاني بال قصر وال هسر‬.‫ "اضجعه‬:‫أحدهما لصاحبه‬
‫" فأخرجا شيئأ كردة‬.‫ "أخرج الغلة والحسد‬: :‫فقال له‬.‫أحدهما إلى صدري ففلقه فيمن أرى بال دم والوجع‬
:‫ فقال له‬.‫ ثم نبذها‬،‫العلقة‬
".‫ ثم هز إبهام رجلي اليمنى فقال "أغد وأسلم‬.‫ فإذا مثل الذي أدخل يشبه الفضة‬."‫"أدخل الرأفة والرحمة‬
".‫ ورحمة على الكبير‬،‫فرجعت بها أغدو ورقة على الصغير‬
"Qad sa'alta, yaa Abaa Hurayratu! Innii la fii saxraa'a ibnu cashra siniina wa
ashhurin, wa ithaa bi kalaamin fawqa ra'sii. Fa ithaa bi rajulin yaquulu li
saaxibihi: "Huwa Huwa!" Fa istaqbalaanii bi wujuuhin lam arahaa li khalqin
qadh-dh, wa arwaaxin lam ajidhaa min khalqin qadh-dh, wa thiyaabin lam
arahaa calaa khalqin qadhdh. Fa aqbalaa ilayya yamshiyaani xattaa akhatha
kullu waaxidin minhumaa bi cadudii, laa ajidu li axadihimaa massan. Fa qaala
axaduhumaa li saaxibihi: "Adjachu". Fa adjacaanii bilaa qasrin wa laa hasrin.
Fa qaala axaduhumaa li saaxibihi: " Afliq sadrahu." Fa hawaa axaduhumaa
ilaa sadrii fa falaqahu fiiman araa bilaa damin wa laa wajacin. Fa qaala lahu:
"Akhrij al ghillaa wa al xasada." Fa akhraja shay'an ka radata al calaqati,
thumma nabathahaa. Fa qaala lahu: "Adkhil al ra 'fata wa al rraxmata." Fa
ithaa mithlu allathii adkhala yashbahu al fiddata. Thumma hazza ibhaama
rijlii al yumnaa, fa qaala: "Aghdi wa aslim." Fa rajactu bihaa aghduu wa
235
riqatan calaa al saghiiri, wa raxmatan calaa al kabiiri." Wallaahu Aclamu.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wax wayn ayaad su'aashay Abuu Hureyrow\‫أبوهريرة‬.
Anigoo meel saxra ah oo lama degaan ah ku sugan, jirana toban sano iyo bilo, ayaan waxaan
maqlay hadal ka yeeraya madaxayga korkiisa. Markaan kor dhugtayna, waxaaba halkaas ku
sugan nin mid kale ku leh:
"Kani waa isagii!"
Markaasey xaggayga usoo jeesteen, ayagoo leh wajiyo aanan hore khalqi leh u arag, iyo arwaax
aanan khalqi leh hore u arag, xiranna dhar aanan hore khalqi labbisan u arag.
Markaasey soo socdeen, oo ay xaggeyga soo aadeen, oo markay ii yimaadeen uu mid walba oo
labadooda ka mid ihi qabtay mid labadayda cududood ka mid ah, anigoo aan wax taabasho ah
ama xanuun ah dareemin.
Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Dhulka jiifi."
Markaasey dhulka i jiifiyeen ayagoo aan isu kay laabin, ina qahrin.
Markaasuu midkood wuxuu saaxiibkiis ku yiri:
"Laabtiisa dhanbal".
Markaasoo midkood laabtayda kusoo degay oo uu kala dhanbalay, anigoo u jeeda, ayadoo uusan
dhiig ka imaan, aniguna aanan xanuunba dareemin.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Waxaad soo bixisaa Al Ghillu\‫الغل‬, oo ah nacaybka iyo waxa xumaanta ah oo la midka ah oo
qofka uurkiisa iyo qalbigiisa ku jira, iyo xaasidnimada".
Markaasuu wuxuu soo bixiyay shay u eg xinjir dureereysa. Markaasuu tuuray.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Waxaad gelisaa qalbigiisa oo aad ku shubtaa turid badni iyo naxariis iyo raxmad".
Waxaas uu qalbigayga geliyayna waa wax la mid ah wixii lasoo bixiyay oo kale muuqaalkiisuse
uu yahay fiddo ama qalin.
Markaasuu dhaqdhaqaajiyay suulka cagteyda midig. Markaasuu wuxuu yiri: "Kac oo soco
adigoo fiyow oo nabadgelyo qaba." Markaasaan waxaan noqday anigoo midka yarna u turid
badan, kan waynna u naxariis badan." Runtana Rabbi ayaa og.
Sanadka labo iyo tobnaad
Sanadka labo iyo tobnaad ee dhalashadiisa, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, kasoo wareegatay,
una dhigantah sanadka miilaadiga ah ee shan boqol iyo labo iyo sideetanka ayuu adeerkiis Abuu
Dhaalib\‫ أبو طالب‬, wuxuu ula safray arliga Shaam\‫الشام‬, qisaduna waa sidatan.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu ka qayb galay safarka Quraysh\‫ قريش‬ee Shaam\‫ الشام‬u
ambabaxaya, qorshihiisana kuma ayan jirin inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wato.
Markaasuu is diyaariyay, markuuna damcay inuu socdaalkaas u kaco, ayaa waxaa usoo kacay
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna ku yiri, kaddib markuu ku dhegay
hoggaanka hashiisa:
"!‫"يا عم إلى من تكلني؟ الأبا لي وال أم‬
236
"Yaa cammu ilaa man takilunii? Laa abban lii wa laa umman",
siduu Al Khamiis\‫ الخميس‬iyo ghayrkiisba u wariyeen, oo macneheedu yahay:
"Adeerow, yaad iiga tegeysaa, anigoo aan aabbe lahayn iyo hooyaba?"
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬u beer jilcay, uuna yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waan wadanayaa, uusanna waligiis marna iga maqnaaneyn, anna aanan waligay
ka tegeyn."
Markaasuu safarkiisaas u watay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
B a x i i r a a'\‫بحيراء‬
Safarku wuxuu socdaba, wuxuu ku furtay, kana mid ahayd meelahay ku degi jireen markay
Shaam\‫ الشام‬u socdaan, tuulo arliga Shaam‫ الشام‬ku taalla oo mageceeda Kafr\‫ كفر‬la yiraahdo, una
dhow magaalada Busraa\‫بصرى‬.
Kaddibna waxay halkaas uga sii kicitimeen Busraa\‫بصرى‬, ahna magaalada la yiraahdo Xawraan
‫حوران\جرعة‬, oo ku taalla Siriya, una dhexeysa Dimishiq‫ دمشق‬iyo Al Qudus\‫ القدس‬ee arliga
Falasdhiin\‫فلسطين‬.
Xawraan\‫ حوران‬waa magaalada ugu horreysey oo Asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, arliga Shaam\‫ الشام‬ka furtaan, xarbi la'aan, bisha Rabiicu Al A wwal‫ربيع األول‬
oo ay shan habeen ka hareen ee sanadka saddex iyo tobnaad ee Hijrada, siduu ibnu Casaakir ‫إبن‬
‫ عساكر‬u wariyay.
Tuuladaas waxaa degganaa Raahib\‫ راهب‬-waana wadaadada Nasaarada krishtaanka ah, oo intay
deegaanka bulshada ka dhex baxaan meel cidla ah intay guri ka dhistaan degah, ayagoo aan
haween guursan, oo yiraahda halkaan ayaan Ilaahay ku caabudeynnaa-, magaciisana la yiraahdo
Baxiiraa\‫بحيراء‬.
Al Khamiis\‫ الخميس‬wuxuu yiri:
"AI Thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu yiri:
"Baxiiraa wuxuu arkay Rasuulka Ilaahay,Sallaa Allaahu CalayhiWasallam, Bicthada\‫البعثة‬
horteed, markaasuu rumeeyey."
Ibnu Mundah\‫ إبن منده‬iyo Abuu Nucaym-na\‫ أبو نعيم‬waxayba ku tiriyeen asxaabta."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri, siduu ibnu Xajarna\‫ إبن حجر‬u yiri:
"Waxaa ku sugan Siirada Al Zuhriyyi\‫ سيرة الزهري‬inuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬ahaa caalin ka mid ah
culummada degmada la yiraahdo "Tay'maa'a\‫"التيماء‬, oo ka tirsan miyiga arliga Shaam\‫ الشام‬."
Al Mascuudina\‫ المسعودي‬wuxuu wariyay inuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬u dhashay qabiilka Carbeed ee la
yiraahdo Cabdu Al Qays\‫عبد قيس‬, magaciisuna uu yahay Sarjiisu\‫ سرجيس‬kuna noolaa sawmacad
uu lahaa.
Ibnu Qutaybata\‫ إبن قتيبة‬wuxuu kitaabkiisa Al Macaarifu\‫ المعارف‬ku yiri:
"In yar Islaamka hortiis waxaa la maqlay haatif oranaya: "War hooy! Dadka arliga waxaa ugu
khayr badan saddex: (Kow) Baxiiraa\‫بحيراء‬, iyo (Labo) Ribaabu bin Al Baraa'a Al
Shaamiyyi\‫رباب بن البراء الشامي‬, iyo (Saddex) Kan saddexaadna waa Al
Muntatharu\‫المنتظر‬, oo ah midka la sugayo."
237
Midkaas saddexaadna wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Qutabiyyu\‫ القتيبي‬wuxuu yiri:
"Qabriga Ribaab Al Shaamiyyi \‫ رباب الشامي‬iyo qabriga wiilkiisa isaga dabadiis, waxaa lagu arki
jiray roob khafiif ah."
Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬wuxuu kitaabkiisa Muxammadun Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam\‫محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬, ku yiri:
"Baxiiraa\‫ بحيراء‬wuxuu ahaa raahib krishtaan ah ee Shaam\‫ الشام‬ku noolaa zamankaas, waxaana
kutubbada Aadaabu Al Bizandhiiniyyah\‫ آداب البزنطينية‬lagu wariyay inuu ahaa raahib haysta mathhabka krishtaanka ah ee la yiraahdo Ariyuus\‫ آريوس‬iyo Nasdhuur\‫نسطور‬, diidayayna inuu Ciise
‫ عيسى‬sifo Ilaahnimo leeyahay, wuxuuna oran jiray inayan bannaaneyn in Ilaah lagu magacaabo,
ayna waajib tahay in la yiraahdo waa Kalimad\‫ كلمة‬Ilaahay, hooyadiisna la yiraahdo waa hooyada
Ciise‫ عيسى‬dhashay, aanna la oran waa hooyada Ilaahay, siday krishtaanku yiraahdaan.
Baxiiraa‫ بحيراء‬wuxuu ahaa caalin wadaad aha cilmiga xiddigahana ku xeel dheer, wuxuuna
sawmacad ka yeeshay dariiqa Shaam\‫ الشام‬loo aado, halkaasoo uu muddo degganaa.
Safarrada Carbeed oo soo marana wuxuu ku amri jiray inay Ilaahay Keligiis caabudaan,
wuxuuna ka reebi jiray caabudidda asnaamta. Wuxuu leeyahay arday la yiraahdo Math-hab
\‫مذهب‬, waxaan ardadiisa ka mid ahaa Salmaan Al Faarisii\‫سلمان الفارسي‬, ka hor intuusan islaamin.
Mathhab\‫ مذهب‬wuxuu yiri:
"Baxiiraa\‫ بحيراء‬waxaa lagu dilay shirqool ay u abaabuleen yuhuud shar badan."
Baxiiraa\‫ بحيراء‬macneheedu waxaa weey, afka Saryaaniga, Caalin cilmiga ku xeel dheeraaday,
oo sida baxr, badda oo kale u qoto dheer.
Waxaa kaloo Daa'iratu Al Macaarifu Al Islaamiyyah\‫ دائرة المعارف اإلسالمية‬ay xustay inuu magaca
Baxiiraa\‫ بحيراء‬kasoo askumay erayga afka Araamiga ah ee ah Baxiiraa \‫بحيرى‬, oo macneheedu
yahay Al Muntakhibu\‫ المنتخب‬oo ah kan la doortay, taasoo koofaar u ah.
Waxana la yiri inuu magaciisu yahay Serjiyus\‫ سرجيوس‬ama Jarjiyuus\‫جرجيوس‬."
waa intaas warka Muxammad Ridaa\‫محمد رضا‬.
Tuuladaas Kafr\‫ كفر‬waxay caan ku noqotay, oo loo yiqiin, 'Dayru Baxiiraa\‫"دير بحيراء‬, oo ah
daarta Baxiiraa oo uu darbigu ku wareegsanaa.
Baxiiraa\‫ بحيراء‬wuxuu ahaa ninka Nasaarada ugu cilmi badan zamankiisa, cilmigoodana wada
koobay, madaxna ugu ahaa. Sawmacaddaas uu ku cibaadeysan jiray -oo sawmacah waa mid
keli ah waana guriga uu wadaadkaasi ku nool yahay, wadartoodana waxaa la yiraahdaa
sawaamic, sida ugu xusan Aayadda afartanaad ee Suuratu Al Xajji\‫سورة الحج‬- waxaana mar
walba sawmacaddaas degganaa wadaad culummada nasaarada ka mid ah, oo ay isaga isugu
tagaan culuumtoodu, ayna ka baran jireen kitaab, siday ayagu leeyihiin, ay kala dhaxli jireen,
caalinba uu ka dhaxli jiray kan ka horreeyey.
Safarka Qureesheed\‫ قريش‬wuxuu ku furtay, oo uu degay, meel gurigiisa u dhow, oo ay weligood
degi jireen, mar walba oo ay halkaas soo maraan.
Waligiisna Baxiiraa\‫ بحيراء‬lama uusan hadli jirin.
Markayse sanadkaan halkaas ku furteen, oo ay degeen, wuxuu u sameeyey cunno badan, wuuna
ku marti sooray. Waxa ku xambaaray inuu sidaas yeelana waxay ahayd wax uu ka arkay markay
bartaas usoo socdeen, oo wuxuu arkay daruur Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi
238
Wasallam, hoosaasineysa, safarka intiisa kale sokadiisa.
Markaasey markay degeen geedka meeshaas ku yiillay hoostiisa, wuxuu arkay inay daruurtu
geedka hoosaasisay, ayna laamaha geedkuna intay dhaqaaqeen, oo ay isugu yimaadeen bartuu
Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, fadhiyay korkeeda, si ay qorraxda uga celiyaan.
Baxiiraa\‫ بحيراء‬markuu arrinkaas arkay, wuxuu kasoo degay sawmacaddiisa, wuxuuna amray in
cunno la sameeyo, kaddibna ragga Quraysh ayuu u ciddiray, wuxuuna ku yiri:
"Cunno ayaan idiin sameeyey ragga Qurayshow, waxaanna jeclahay inaad dhammaantiin kasoo
qayb gashaan, uusanna qofna idinka soo harin, midka yar iyo midka waynba, midkiinna xorta ah
iyo addoonkiinnaba, ayadoo uu arrinkaani yahay arrin aad igu karaameyneysaan."
Markaasuu nin wuxuu ku yiri:
"Muraad ayaad leedahay Baxiirow\‫بحيراء‬, oo tanoo kale nooma aadan samayn jirin markaan ka
hor. Marka arrinkaagu maanta muxuu yahay?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan jecleystay inaan idin karaameeyo, xaq ayaadna u leedihiin."
Markaasey u wada yimaadeen, waxaana kasoo haray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, oo meeshey degeen kusoo haray, geedka hoostiisa. Geedkaas hoostiisa waxaa laga
dhisay Masjid la yiraahdo Masjidu Mabraka Al Naaqati \‫مسجد مبرك الناقة‬, oo ah barta ay hashu
ku arrunsatay, waana hashuu saarnaa Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam. Masjidkaas weli
waa jiraa, oo masawirkiisa ayaan arkay.
Sababta uu Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, geedka hoostiisa ugu soo harayna waxay
ahayd da' yaraantiisa, ayadoo uusan ragga ku jirin nin ka da' yar.
Markaasuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬markuu ragga fiiriyay ayuu wuxuu ka wada waayey sifada uu
yaqaanno oo kitabkiisa ku sugan. Markaasuu wuxuu fiiriyey ragga oo wuxuu nin ka mid ahba
korkiisa ka waayey daruurtii, wuxuuse ku arkay inay ka hartay oo ay wali geedka korkiisa tahay,
madaxa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, yuusan axadna idinka soo harin, oo yuusan cunnadeyda ka maqnaan."
Waxay yirahdeen:
"Axadna nagama soo harin intaan ka ahayn wiil ragga ugu da' yar, oo meeshaan degnay jooga."
Markaasuu wuxuu yiri:
"isagana u yeera oo cunnadeyda wax ha ka cuno oo goobjoog ka ahaado. Mana jiro wax ka
foolxun inaad adinkuna timaaddaan uu nin adinka idinka mid ahna uu keligiis idinka soo haro,
anigoo hadana u jeeda inuu idinka dhashay. "
Markaasey waxay raggu yiraahdeen:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬nasab ahaan isagaa noogu gobsan, waxaana dhalay ninkaan walaalkiis", ayna
ka wadaan Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬, wuxuuna ka mid yahay dhasha Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫المطلب‬."
239
Markaasaa waxaa kacay Al Xaarithu bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫الحارث بن عبد المطلب‬, oo yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaa ceeb ahba inuu ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬naga soo haro oo
uu naga maqanyahay."
Markaasuu intuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geedka hoostiisa ugu tegey, oo uu
laabtiisa ku dhejiyay, ayuu soo noqday oo uu cunnada dul fariisiyay, ayadoo ay daruurtuna
madixiisa korkiisa tahay.
Markaasuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬si xoog leh u daymooday, uuna fiirfiiriyay waxyaalo korkiisa ka mid
ah, oo uu yiqiinnay oo kutubbadiisa ku sugan, kuna saabsan sifadiisa, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, waa tilmaamihiisee.
Markaasey markay cunnada kasoo jeesteen, oo ka kala kaceen, ayuu Baxiiraa \‫ بحيراء‬usoo kacay
Nabiga, Sallaa Allahu CalayhiWasallam, uuna ku yiri:
"Wiilow, waxaan kugu dhaariyey Allaata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫العزى‬, ee iiga jawaab waxaan ku
waydiinayo."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫ وهللا ما أبغض شيأ بغضهما‬،‫"التسألني بالالت والعزى‬
"La tas'alnii bi Al Llaata wa Al Cuzzaa, fa Wa Allaahi maa abghadtu shay'an
bughdahumaa", oo ah:
"Ha igu dhaarin Al Llaata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫العزى‬, oo Wa Allaahi\‫ وهللا‬inayan jirin waxaan u
necbahay sidaan labadooda u necbahay."
Markaasuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬wuxuu yiri:
"Hadaba Ilaahay ayaan kugu dhaarshaye, waa inaad ii sheegtaa waxaan ku weydiiyo."
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"سلني ما بدا لك‬
"Salnii cammaa badaa laka", oo ah:
"i waydii waxaad doontid."
Markaasuu wuxuu ka wareystay arrimo ku saabsan xaaladihiisa, xattaa hurdadiisa, hay'addiisa
iyo umuurtiisa.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, su'aal kasta uga jawaabay,
jawaabtiisuna ay waafaqdaa sifooyinkiisa kitaabkiisa ku dhigan. Kaddibna wuxuu fiiriyay
labadiisa indhood, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam. Kaddibna wuxuu marada ka fayday
dhabarkiisa. Markaasuu wuxuu arkay khaatimka Nabinnimada, oo labadiisa garab, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, dhexdooda ku yaalla, lehna sifada uu kitaabkiisa ugu tilmaaman yahay.
Markaasuu barta Khaatimka dhunkaday.
Al Thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu kitaabkiisa Tajriidu Al Saxaabah\‫ تجريد الصحابة‬ku yiri inuu
Baxiiraa\‫ بحيراء‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Bicthada\‫ البعثة‬ka hor uu arkay uuna
rumeeyey.
240
Sidoo kale wuxuu Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬kitaabkiisa Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku wariyay inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Baxiiraa\‫ بحيراء‬hadana soo maray markuu
safarka Ummu Al Mu'miniin Khadiijah\‫ أم المؤمنين خديجة‬waday, isagoo uu la socdo Maysarah
‫ميسرة‬, uuna Baxiiraa\‫ بحيراء‬ku yiri:
"Waan aqoonsaday calaamadahaaga kulligood intaan ka ahayn khaatimka Nabinnimada ee
dhabarkaaga ii fayd."
Markaasuu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, dhabarkiisa u fayday , oo uu arkay. Markaasuu
wuxuu yiri:
"Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu, wa ash-hadu annaka Rasuulu Allaahi, Al Nabiyyi Al
Ummiyyi allathii bash-shara bihi Ciisaa ibnu Mayama ‫ النبي‬،‫ وأشهد أنك رسول هللا‬،‫أشهد أن الإله إال هللا‬
‫"األمي الذي بشر به عيسى إبن مريم‬, oo ah:
"Waxaan maraga ka ahay inuusan jirin ilaah aan Ilaahay ahayn, waxaanna marag ka ahay inaad
tahay Rasuulka Ilaahay, Nabiga Ummiga ah oo uu ku bishaareeyey Ciise ina Maryama ‫عيسى إبن‬
‫مريم‬."
Markay Raggi Quraysh\‫ قريش‬arkeen Baxiiraa\‫ بحيراء‬oo dhabarka Nabiga, Sallaa Allahu Caayhi
Wasallam, dhunkanaya, waxay yiraahdeen:
"Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, Raahibka agtiisa wuxuu ku leeyahay qadar
wayn."
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wiilka walaalkiis u baqay, markuu raahibka ka arkay wuxuu
ka arkay.
Markaasuu Baxiiraa'\‫ بحيراء‬wuxuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri:
"Wiilkaani muxuu kuu yahay?"
Wuxuu yiri:
".‫"إبني‬
Oo macniisu yahay:
"Anigaa dhalay."
Wuxuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬yiri:
"Kan adigu ma aadan dhalin, mana ayan bannaana inuu wiilkaan aabihiis noolyahay."
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu yiri:
".‫"فإنه إبن أخي‬
"Walaalkey ayaa dhalay."
Wuxuu yiri:
"Aabihiisna maxaa ku dhacay?"
Wuxuu yiri:
".‫"مات وأمه حبلى به‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu dhintay isagoo ay hooyadiis uurkiisa leedahay."
241
Wuxuu yiri:
"Hooyadiisna meeday?"
Wuxuu yiri:
"Dhowaan ayay dhimatay."
Wuxuu yiri:
"Run ayaad sheegtay. Wiilka walaalkaa beledkiisa ula noqo, waxaadna ka ilaalisaa yuhuudda, oo
wa Allaahi\‫ وهللا‬hadday arkaan oo ay ka aqoonsadaan waxaan ka aqaanno, waxay u qasdayaan
dilkiisa. Saabtuna waxay tahay inuu wiilkaaga u ahaanayo mustaqbal wayn, aan ku haynno oo
ku sugan kutubbadeenna iyo waxaan ka warinnay aabayaalkeen. Waxaad ogaataa inaan kuu
naseexeeyey, oo aan kula taliyay."
Markaasey ragga Quraysh\‫ قريش‬markay ganacsigooda kasoo jeesteen, ayuu adeerkiis, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬si dhakhso leh Makkah\‫ مكة‬dib ugu soo
celiiyay, mar dambena safar kale uma uusan wadan, cabsi uu u qabo."
Xadiithkaan dheer waxaa wariyay ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo kutubbada Siirada oo idil.
Riwaayada Abuu Muusa Al Ashcarii\‫ أبو موسى األشعري‬ee safarkaan
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu Abuu Muusaa Al Ashcarii\‫ أبو موسى األشعري‬ka wariyay inuu yiri:
"Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu u safray Shaam\‫الشام‬, waxaana raacay Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, isagoo ay la socdaan odayo Quraysh\‫ قريش‬ah.
Markaasey markuu raahibku u muuqday (waa Baxiiree\‫ )بحيراء‬ayay degeen, oo ay halkaas ku
furteen.
Markaasuu raahibku gurigiisa uga soo baxay oo uu u yimid, ayagoo markaas ka horna ay agtiisa
mari jireen, uusanse usoo bixi jirin, danna uusan ka yeelan jirin, xaggoodana uusan soo dhugan
jirin.
Markaasuu raahibku dhexdooda marmaray, isagoo indhihiisa ku baaraya, ayagoo awrtooda
furaya. Sidaas ayuu ku socday ilaa uu uga yimado oo uu qabto gacanta Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Kani waa hoggaamiyaha caalamiinta, kani waa Rasuulka Rabbiga Caalamiinta, Ilaahayna
wuxuu soo dirayaa isagoo caalamiinta raxmad u ah."
Markaasey odayo Quraysheed\‫ قريش‬waxay yiraahdeen:
"Maxaa ku ogaysiiyey?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Adinku markaad jiirta kasoo daadegteen, ma uusan harin dhagax iyo geed toona ee waa kan
illaa sujuud la dhaca, umana ay sujuudaan Nabi mooyee. Aniguna waxaan isaga ku
aqoonsanayaa khaatimka Nabinnimada oo ku yaalla madaxa lafta garabkiisa hoostiisa,oo tufaaxa
la mid ah."
Intaas kaddibna wuxuu raahibku ku noqday daartiisa, wuxuuna u sameeyey cunno. Markaasuu
markuu cunnada u keenay Nabigauu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arki waayey, isagoo
242
geela kusoo haray oo la jooga.
Markaasuu wuxuu raahibku yiri:
"U ciddira."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yimid, isagoo ay daruuri hoosaasineyso.
Markaasuu markuu ragga usoo dhowaaday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu arkay inay
uga hormareen harka geedka.
Markaasuu markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fariistay, ayuu geedka harkiisu xaggiisa
iyo dushiisa isugu yimid.
Markaasuu Baxiiraa'\‫ بحيراء‬wuxuu yiri:
"Arka inuu harka geedku uu isaga dushiisa usoo guuray."
Wuxuu yiri: isagoo uu raahibku ragga Quraysh\‫ قريش‬dul taagan yahay, uuna ku dhaarinayo
inayan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arliga Roomaanka la aadin, oo ah Shaam\‫الشام‬
oo waagaas Boqortooyada Roomaanka ka tirsanayd:
"maxaa yeelay hadday Roomaanku arkaan waxay ku aqoonsanayaan sifadiisa, markaaseyna
dilayaan."
Markuu intaas yiri ayuu Baxiiraa'\‫ بحيراء‬dhinac fiiriyey, wuxuuna arkay toddoba nin (sagaalna
waa la yiri) oo roomaan ah oo arliga roomaanka ka yimid.
Markaasuu inta ka hor tegey, wuxuu ku yiri:
"Maxaa idin keenay oo aad dooneysaan?"
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Waxaan dooneynaa Nabigaan, oo soo safraya bishaan, mana uusan harin dariiq kale ee waa kan
illaa dad loo diray soo qabashadiisa. Annagana waxaa nala siiyey warkiisa, waxaana naloo soo
diray dariiqaan."
Markaasuu Baxiiraa'\‫ بحيراء‬wuxuu ku yiri:
"Ma idinka dambeeyaa, oo aad kasoo tagteen, axad adinka idinka khayr badan?"
Waxay yiraahdeen:
"Maya, waxaase annaga naloo sheegay khabarka dariiqaagaan."
Wuxuu yiri:
"Bal ka warrama arrin uu Ilaahay doonayo inuu meel mariyo axad dadka ka mid ihi ma celin
karaa oo hor istaagi karaa?"
Waxay yiraahdeen:
"Maya."
Abuu Muusaa\‫ أبو موسى‬wuxuu yiri:
"Markaasey taladiisa raaceen, ayna la degeen."
Markaasuu Baxiiraa\‫ بحيراء‬Quraysh\‫ قريش‬u yimid, wuxuuna ku yiri:
"Ilaahay ayaan idinku dhaariyaye, kiinneebaa waligiisa ah (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam)?"
Waxay yiraahdeen:
"Abuu Dhaalib\‫" أبو طالب‬.
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku dhaariyay oo uu ku celceliyay ilaa uu ka celiyo (oo uu
Makkah\‫ مكة‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u celiyo)."
243
Waxaa Xadithka wariyay Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo ghayrkoodba. Ibnu
Xajarna\‫ إبن حجر‬wuxuu yiri: "Ragga wariyay waa lagu kalsoon yahay inta intaas ka dambeysana
Xadiithka ka mid ma aha, oo gadaal ayaa looga daray".
Intaas gadaal looga daray oo aan Xadiithka ka mid ahaynna sooma aanan qaadin oo waa ka
tagnay.
Riwaayad kale ee Safarka Shaam \‫الشام‬
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo ghayrkoodba waxay wariyeen riwaayad kale ee
raggaas roomaanka ah, waxayna yiraahdeen:
"Rag la oran jiray Zurayr\‫ زرير‬iyo Tammaam\‫ تمام‬iyo Dariis\‫دريس‬, oo ah rag ehelu kitaabka ah
waxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku arkeen wax la mid ah wuxuu
Baxiiraa\‫ بحيراء‬ku arkay oo kale, isla safarkaas uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
adeerkiis Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬la socday.
Markaasey damceen inay dilaan, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaase ka celiyay
Baxiiraa'\‫بحيراء‬, oo Ilaahay xusuusiyay iyo waxa xusiddiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo
sifooyinkiisa ah oo kutubbadooda ku dhigan.
Wuxuu kaloo u sheegay in hadday isku taagaan, oo ay goostaan inay dilaan, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ayan taas gaari karin oo ayan taasi u suurtoobeyn. Sidaas ayuu ugu
celcelinayey, oo ula hadlayey ilaa ay ka dhaagaan oo ay gartaan wuxuu sheegayo, ayna
rumeeyeen wuxuu leeyahay. Markaasey Nabiga, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, iska daayeen,
oo ay ka gaddoomeen."
Gabayga Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ee Safarkaan
NabiMuxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Abuu Dhaalib \‫ أبو طالب‬safarkaan iyo
kulanka Baxiiraa'\‫ بحيراء‬wuxuu ka tiriyey gabay uu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬tixo ka mid ah wariyay,
ahna:
‫بفرقة حر الوالدين كرام‬
‫لترحل إذ ودعته بسالم‬
‫وأمسكت بالكفين فضل زمام‬
‫تجود من العين ذات سجام‬
‫مواسين في البأساء غير لئام‬
‫لنا فوق دور ينظرون جسام‬
‫لنا بشراب طيب وطعام‬
‫ جمعنا القوم غير غالم‬:‫فقلنا‬
1. Alam taranii min bacdi hammin hamamtuhu
Bi furqati xurri al waalidayni kiraami.
2. Bi Axmada lammaa an shadadtu madhiyyatii
Li tarxala ith waddactuhu bi salaami.
3. Bakaa xazanan wa al ciisu qad fasalat binaa
‫ألم ترني من بعد هم هممته‬
‫بأحمد لما أن شددت مطيتي‬
‫بكى حزنا والعيس قد فصلت بنا‬
‫ ثم رقرقت عبرة‬،‫ذكرت أباه‬
‫ تروح راشدا في عمومة‬:‫فقلت‬
‫فرحنا هبطنا أرض بصرى تشرفوا‬
‫فجاء بحيرى عند ذلك حاشدا‬
‫ اجمعوا أصحابكم لطعامنا‬:‫فقال‬
244
W amsaktu bi al kaffayni fadla zimaami.
4. Thakartu abaahu, thumma raqraqtu cabratan
Tajuudu mina al caynayni thaata sijaami.
5. Fa qultu taruuxu rashiidan fii cumuumatin Mawaasiina fii al ba'saa'i ghayra li'aami.
6. Fa ruxnaa maca al ciiri allatii raaxa ahluhaa
1.
Shaamii al hawaa, wa al aslu ciiru Shaami.
7. Falammaa habadhnaa arda Busraa tasharrafuu
Lanaa fawqa duuri yanthuruuna jisaami.
8. Fa jaa'a Baxiiraa' cinda thaalika xaashidan
Lanaa bi sharaabin dhayyibin wa dhacaami.
9. Fa qaala: ajmacuu asxaabakum li dhacaaminaa
Fa qulnaa: jamacnaa al qawma ghayra ghulaami.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Soo ma aadan arag kaddib arrin aan damcay inaan ku kaco/
lnaan ka tago midka labadiisa waalid ay xorta kiraamta ah yihiin.
2. Waa Axmadee\‫أحمد‬, kaddib markaan rukuubkeyga kooreeyey/
Si ay u socdaasho, anigoo isagana nabadgelyeeyey, isagoo nabad qaba.
3. Murug ayuu la booyey, aydoo ay awrta cadcadi nala dhaqaaqday/
Markaasaan hoggaanka ratiga inta dheeriga ah labada gacnood ku qabtay.
4. Waxaan xusuustay aabihiis markaasaan beer dulcay oo ilmeeyey/
Oo ay labada indhood illin badani i dureertay.
5. Markaasaan waxaan iri: adigoo ilaalsan ayaad adeerro raaceysaa/
Ku kabaya markay dhibi jirto, aan ahaynna kuwo la eedeeyo.
6. Markaasaan waxaan raacnay safarka uu dadkiisu aaday/
Shaam hawadoodu jirto, ahna Safarka Shaam.
7. Markaan arliga Busraa\‫ بصرى‬kusoo degannay, way na ilaasheen/
Nagana fiiriyeen daaro korkood, ayagoo ah , jirarna baaraya.
8. Markaasaa waxaa non yimid Baxiiraa'\‫ بحيراء‬isagoo non sida/
Cabbid fiican iyo cunno.
9. Wuxuuna yiri: cunnadeenna u wada imaada dhammaantiin/
Waxaanna ku niri: ragga waan wada keennay intaan hal wiil ah ahayn.
llaalinta I1aahay ee Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku koray ilaalinta iyo dhawridda
Ilaahay Tacaalaa, oo ka ilaaliyay kana celiayay inay wax kasoo gaaraan foolxumooyinkii
jaahiliyada, Isagoo Tacaalaa la doonaya karaameyntiisa iyo Risaaladiisa.
Sidaas ayuu Rabbigiis u ilaalinayey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilaa uu ka gaaro,oo uu
noqdo ninka tolkiis ugu fadli badan, uguna deeqsisan, ugu sharaf badan, ugu khuluq iyo dhaqan
iyo dabeecad fiican, uguna gobsan, uguna dhaqan iyo derisnimo fiican, uguna turid badan, uguna
runlowsan markuu hadlo, uguna amaano wayn, akhlaaqda ragga wasakhaysana iyo xumaantaba
uga fogaansho badan, uuna Ilaahay ceeb oo idil ka fogeeyey, karaameeyeyna, ilaa uu magaca
tolkiis ugu yeero uu noqday Al Amiinu\‫األمين‬, oo ah kan la aamino oo aaminka ah, taasoo uu ku
245
helay inta umuurood oo suuban oo uu Ilaahay isugu geeyey.
Rasuulka Ilaahay , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ka warramaya siduu Ilaahay u
ilaaliyey intuu yaraa, ugana dhawray arrimaha jaahiliyada, wixii uu yiri waxaa ka mid ahaa:
‫ وأخذ إزاره فيجعله‬،‫ كلنا قد تعرى‬،‫"لقد رأيتني في غلمان قريش ننقل حجارة لبعض ما يلعب به الغلمان‬
.‫ يحمل عليه الحجارة‬،‫على رقبته‬
:‫ ثم قال‬،‫ إذا لكمني الكم ما أراه لكمة وجيعة‬،‫فإني ألقبل معهم كذلك وأدبر‬
".‫ "فأخذته وشددته علي من بين أصحابي‬:‫"شد عليك إزارك!" قال‬
"La gad ra'aytunii fii ghilmaani Qurayshin nanqulu xijaaratan li bacdi maa
yalcabu bihi al ghilmaanu, kullunaa qad tacarraa, wa akhatha izaarahu fa
jacalahu calaa raqabatihi, yaxmilu calayhi al xijaarata. Fa innii la uqbilo
macahum khathaalika wa adbiru, ithaa lakamanii laakimun maa araahu
lakmatan wajiicatan, thumma qaala: "Shudda calayka izaaraka". Qaala: "Fa
akhathtuhu wa shadadtuhu calayya. Thumma jacaltu axmilu al xijaarata calaa
raqabatii wa izaarii calayya min bayna asxaabii."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan is arkay, oo isoo martay, anigoo wiilal Quraysh\‫ قريش‬ah ku dhex jira, aanna dhagaxda
ay wiilashu ku cayaaraan dadldalaynna, oo intaan meel ka qaadno meel kale geyneynna, isagoo
mid walba oo dhammaanteen nag a mid ih uu is qaawiyey, isagoo hoos guntigiisa iska siibay oo
tunka saartay, oo uu sidaas intuu dhagaxda marada kor saaro u qaadaya, dhagaxdana marada
isaga dhigaya.
Anigoo sidaas ayaga lasoo gaddoomay, lana sii gaddoomaya, ayaa waxaa feer ama tantoonyo igu
dhuftay mid wax feera oo aanan u jeedin, feer xanuun miiran ah, kaddibna yiri:
"Hoos guntigaaga labbiso oo si adag u xiro."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan labbistay oo aan si adag u guntaday, aan kaddibna dhagaxda tunkeyga ku
qaadayey, anigoo uu hoos guntigeygu ii xiran yahay, ahna kan keli ah oo saaxiibbadey maradiisa
guntan."
Arrinkaan oo kalena waxaan ku arki doonnaa, insha'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, marka Kacbada
dhismeheeda la cusbooneysiinayo, oo ah marka labaad oo uu maradiisa, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam tunka saaranayo, isagoo dhagaxda isaga dhigaya, siday ragga kaleba yeeleen, oo
markaas Samada looga dhawaaqayo, oo lagu leeyahay:
"Hoos guntigaaga gunto Muxammadow\‫"!محمد‬, ahna marka ugu horreysey oo Samada looga
yeeray.
Bicthada\‫ البعثة‬horteedna Rasuulka Ilaahay, Sallaa AllaahuCalayhi Wasallam, wuu necbaa inay
cawradiisu kashifanto.
Waligiis ma uusan dhedhemin hilibka xoolo asnaamta loo gawracay.
Diin kalena ma uusan gelin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo krishtaan iyo yuhuud midna
ma uusan noqon, waligiisna sanam inuu caabudo iska daaye, uma uusanba dhowaan, mana uusan
246
taaban.
Wuxuu dadka ka reebi jiray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inay gabdhohooda nolol ku
duugaan.
Waligiis khamaar ma cayaarin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallan, khamrana ma cabbin.
Wax lagu ceebeeyo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan samayn weligiis, Bicthada
horteed iyo dabadeed midna.
Sanadka saddex iyo tobnaad
Markay ahayd sanadka saddex iyo tobnaad oo kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab, Al Faaruuqu,\‫ الفاروق‬،‫ أمير المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب‬Allaha raalli ka noqdee.
Al Istiicaabna\‫ اإلستيعاب‬wuxuu isaguna wariyay inuu Cumar\‫ عمر‬dhashay saddex iyo toban sano
kaddib maroodiga. Cumar\‫ عمر‬waxaa laga wariyay, siduu Al Khamiis\‫ الخميس‬u wariyay, inuu
yiri:
"Waxaan dhashay afar sano ka hor Al Fijjaari Al Acthami\‫"الفجار األعظم‬, waana xarbiga Al Fijjari
ugu dambeeyey. Taas ayaa dhacdooyinka sanadka saddex iyo tobnad ka mid ah.
Sanadka afar iyo tobnaad
Umuuraha dhacay sanadka afar iyo tobnaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ama kan shan iyo tobnaad, waxaa ka mid ah xarbiga Al Fijjaari Al Aakhir
.‫حرب الفجار األخر‬
Xarbigaan wuxuu dhex maray Quraysh\‫ قريش‬iyo inta reer Banii Kinaanah‫ بني كنانة‬kala jirtay oo
dhinac ah, iyo qabiilka Qays Caylaan\‫ قيس عيالن‬oo dhinaca kale ah, waana Ayaamaha Carabta
kuwooda ugu waaweyn midkood. Sababta dagaalkaas kicisay waxay ahayd sidatan:
Xarbiga Al Fijjaari Al Aakhir ‫حرب الفجار األخر‬
Curwah Al Rraxxaal bin Cutbah bin Jacfar bin Kilaab bin Rabiicah bin Caamir bin Sacsacah bin
Mucaawiyah bin Bakr bin Hawaazin ‫عروة الرحال بن عتبة بن جعفر بن كالب بن ربيعة بن عامر بن سعسعة بن‬
‫ معاوية بن بكر بن هوازن‬ayaa wuxuu magan geliyay safar ganacsi oo uu leeyahay Boqorka Carbeed
ee Al Xiirah\‫ الحيرة‬ee arliga Ciraaq\‫عراق‬, magaciisuna yahay Al Nucmaanu bin Al Munthir ‫النعمان‬
‫بن المنذر‬.
Markaasuu ninka la yiraahdo Al Barraadu bin Qays\‫البراد بن قيس‬, una dhashay reer Banii Damrah
bin Bakr bin Cabdu Manaat bin Kinaanah‫ بني ضمرة بن بكر بن عبد مناة بن كنانة‬, wuxuu ku yiri:
"Ma waxaad ka magangelisay Kinaanah\‫"?كنانة‬, oo isaga qabiilkiisa ah, deegaankana ay labadaas
qabiil wadaagaan.
Wuxuu yiri:
"Haa, ayaga iyo khalqigaba."
Markaasuu Curwah al Raxxaal‫ عروة الرحال‬safarkiisa ku sii socday, ayadoo uu Al Barrad-na ‫البراد‬
247
\‫بن قيس‬, raadkiisa ku joogo, isagoo moogan.
Markaasuu markuu Curwah‫ عروة‬gaaray meesha la yiraahdo Taymina thii Dhallaala\‫( تيمن الطالل‬oo
ah wadi ku yaalla Fadak\‫ ;فدك‬Najd-na\‫ نجد‬waa la yiri) ee ku taalla Al Caaliyah\‫ العالية‬marayo ayuu
heegannimaduu ku sugnaa oo is ilaalinayey halmaamay. Markaasuu Al Barraadu intuu kusoo
booday dilay, ayadoo bisha Xurmada leh lagu dhex jiro.
Taas ayaana u sabab ah in dagaalkaas Al Fijjaari\‫ الفجار‬loo bixiyay.
Xarbigaani wuxuu leeyahay afar maalmood oo caan ah, oo kala ah:
(Kow) Yawmu Shamdhah\‫يوم الشمطة‬,
(Labo) Yawmu Al Sharibi\‫يوم الشرب‬, oo ah maalinta ugu wayn dhammaantood. Maalintaas
Xarb bin Umayyah\‫( حرب بن أمية‬oo ah Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬aabihii) iyo Sufyaan‫ سفيان‬iyo Abuu
Sufyaan\‫ أبو سفيان‬waxay xarig kula xireen laftooda Umayyah\‫ أمية‬wiilashiisa, si ayan u cararin.
Markaasaa waxaa loo bixiyey Al Canaabisa\‫العنابس‬, oo canbas\‫ عنبس‬waa magac magacda
libaaxa ka mid ah.
Maalintaan Qays bin Caylaan\‫ قيس بن عيالن‬waa la jebiyay, intaan Banii Nadr\‫ بني نضر‬ka ahayn.
(Saddex) Yawmu al Xurayrati\‫يوم الحريرة‬, oo meesha la yiraahdo Nakhlata\‫ نخلة‬lagu
dagaallamay (oo Makkah u jirta lixdan iyo dhowr kiiloomitir).
Dagaalkaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joog ayuu ahaa, mase
uusan dagaallamin, isagoo la socda adeerradiis, wuxuuna yiri:
".‫"كنت أنبل على أعمامي يو الفجار‬
"Kuntu anbulu calaa acmaamii yawma al Fijjaari",
oo macneheedu yahay:
"Adeerradey ayaan fallaaraha u dhiibayey, kana celinayey fallaaraha uu cadawgood kusoo gano".
Alaabtana wuu u ilaalinayey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
(Afar) Yawmu ama Fijjaru Al Baraadi\‫يوم أم فجار البرادي‬, ahna dagaalkaan afarta maalmood
leh oo ah kan ugu dambeeyey.
Markuu Al Barraadu\‫ البراد‬dilay Curwah al Raxxaal\‫عروة الرحال‬, ayaa nin Quraysh\‫ قريش‬ahi u
yimid, wuxuuna yiri:
"Al Barraadu\‫ البراد‬wuxuu dilay Curwah\‫"عروة‬
Quraysh raggeedu waxay markaas joogaan suuqa Cukaath\‫عكاظ‬, waxaana lagu jiraa bisha
xurmada leh dhexdeeda.
Markaasey gaddoomeen, oo ay xagga Makkah\‫ مكة‬u keceen, ayadoo ay Hawaazin\‫هوازن‬
ogsoontahay gaddoonkoodaas.
Markaas kaddib ayaa waxaa Hawaazin\‫ هوازن‬loo sheegay khabarka dilka Curwah\‫ عروة‬iyo ninka
dilayba.
Markaasey Quraysh\‫ قريش‬raadkooda raaceen, kana daba tageen intayan Xaramka gelin ka hor.
Markaasey dagaallameen, oo ay dagaallamayeen ilaa uu habeenku ka dumo.
248
Markaasey Xaramka ka galeen, ay Hawaazinna\‫ هوازن‬ka hartay oo iska daayeen.
Maaalintaas dabadeed maalmo kale ayay iska hor yimaadeen, ayadoo uu qabiil walba oo
Quraysh\‫ قريش‬ah iyo Kinaanah\‫ كنانة‬hoggaamiye wato, qabiil kasta oo Qays Caylaan\‫ قيس عيالن‬ka
tirsanna uu hoggaamiye wato.
Hoggaamiyaha Quraysh\‫ قريش‬iyo Kinaanah\‫ كنانة‬wuxuu ahaa Umayyah bin Cabdu Shams ‫أمية بن‬
‫عبد شمس‬. Maalinta gelinkeeda hore waxaa libta yeeshay Qays \‫ قيس‬oo Kinaanah\‫ كنانة‬ka
guuleysatay. Maalinta bartameheeda marka la gaarayna Kinaanah \‫ كنانة‬ayaa Qays\‫ قيس‬libta ka
heshay.
Dhammaatka Xarbu Al Fijjaari\‫حرب الفجار‬
Dagaalladaas waxay ku dhammaadeen sidatan:
Hawaazin\‫ هوازن‬iyo Kinaanah\‫ كنانة‬waxay ku ballameen sanadka kaas ka dambeeya isaga
horyimaadaan Cukaath\‫عكاظ‬.
Markaasey labadooduba sidii loogu ballamay suuqa Cukaath\‫ عكاظ‬isugu yimadeen.
Kinaanah\‫ كنانة‬waxaa hoggaaminayey Xarb bin Umayyah\‫حرب بن أمية‬.
Xarb bin Umayyah\‫ حرب بن أمية‬. waxaa gurigiisa joogay wiil agoon ah, oo uu isagu mas'uul ka
yahay, magaciisuna yahay Cutbah bin Rabiicah\‫( عتبة بن ربيعة‬oo ah Mucaawiyah bin Abii
Sufyaan\‫ معاوية بن أبي سفيان‬awoowihiis hooyadiis Hind\‫ هند‬dhalay, uuna Xamzah bin Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫حمزة بن عبد المطلب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
adeerkiis, Hoggaamiyaha Shuhadaa'da\‫ سيد الشهداء‬iyo Libaaxa Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam\‫أسد هللا وأسد رسوله صلى هللا عليه وسلم‬, ku dilay Maalinta Badr\‫يوم بدر‬
isagoo gaal ah).
Xarb\‫ حرب‬wiilkaas wuu uga turay oo uu uga naxariistay inuu dagaalkaas usoo wado.
Markaasuu Cutbah\‫ عتبة‬idankiisa la'aantiis soo baxay oo uu goobta dagaalka yimid.
Xarb\‫ حرب‬iyo intii kaleba waxay ku baraarugeen Cutbah \‫ عتبة‬oo ratigiisa saaran oo laba saf
dhexdooda ku sugan, lana dhawaaqaya oo leh:
"Madaxda iyo ragga Mudar-row\‫مضر‬, maxaad isula dagaallamaysaan?"
Markaasey Hawaazin\‫ هوازن‬waxay tiri:
"Maxaad hadaba adigu noogu yeereysaa inaan falno?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Heshiis! Inaan idin siinno diyada ragga la idinka dilay, dhiiggenniina aan cafinno."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Sidee bay taasi ku ahaaneysaa?"
Wuxuu yiri:
"Rag naga mid ah ayaan rahan ahaan idiin siineynnaa."
Waxay yiraahdeen:
"Yaa na siineysaa oo taas kafaalo qaadaya?"
Wuxuu yiri:
"Aniga".
249
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Adiguna kumad tahay?"
Wuxuu yiri:
"Cutbah bin Rabiicah bin Cabdi Shams\‫عتبة بن ربيعة بن عبد شمس‬."
Markaasey raalli ku noqdeen, oo ay oggolaadeen, kinaanana ay oggolaadeen. Markaasey
Kinaanah\‫ كنانة‬waxay Hawaazin\‫ هوازن‬u dhiibtay afartan nin oo rahan ah, uuna ka mid yahay
Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid\‫حكيم بن خويلد بن حزام‬, Allaha raalli ka noqdee.
Markaasey markay reer Banuu Caamir bin Sacsacah\‫ بنو عامر بن سعسعة‬rahanka arkeen, oo ay
gacantooda ku qabteen, ayay ayaguna dhiiggooda ay Kinaanah\‫ كنانة‬ka gashay cafiyeen, raggiina
ay sii daayeen.
Sidaas ayay dagaallada Al Fijjaari\‫ الفجار‬ku go'een.
Waxaa la oran jiray: Quraysh\‫ قريش‬hoggaamiye uma uusan noqon nin sabool ah intaan ka ahayn
Abuu Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫ أبو طالب بن عبد المطلب بن هاشم‬iyo
Cutbah bin Rabiicah bin Cabdu Shams\‫عتبة بن ربيعة بن عبد شمس‬, labadoodaasoo madax noqday
maal la'aan.
Sanadka shan iyo tobnaad
Markay shan iyo toban sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxaa isaguna dhashay, siduu Al Khamiis\‫ الخميس‬u wariyay, "Abuu Dhalxah Al Ansaarii ‫أبو طلحة‬
‫األنصاري‬, sida ku xusan Siirada Mughladhaay‫"مغلطاي‬.
Sanadka lix iyo tobnad
Dhacdooyinka sanadka lix iyo tobnad oo kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, waxaa ka mid ah inuu adeerkiis Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫الزبير بن عبد‬
‫المطلب‬, ama Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫العباس بن عبد المطلب‬, uu safar ganacsi
Yaman\‫ بمن‬u hoggaamiyey.
Sanadka toddoba iyo tobnaad
Dhacdooyinka sanadka toddoba iyo tobnaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah inuu dhashay Xaadhib bin Abii Baltacah \‫ حاطب بن أبي بلتعة‬.
Waxaa kaloo sanadkaas dhacay inay madaxda Boqortooyada Faaris ku keceen caasimada Al
Madaa'in\‫المدائن‬, ayna xukunka ka xayuubiyeen Boqorkooda daalinka ah ee Hurmuz \‫هرمز‬, labada
indhood ayayna bir uaga soo bixiyeen. Kaddibna way iska daayeen.
Sanadka sideed iyo tobnaad
Dhacdooyinka sanadka sideed iyo tobnaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah inuu dhashay Khabaab bin Al Arat \‫خباب بن األرت‬, Allaha
raalli ka noqdee iyo Muxammad bin Maslamah Al Ansaarii‫ محمد بت مسلمة األنصاري‬, siduu Al
250
Khamiis\‫ الخميس‬u wariyay.
Sanadka sagaal iyo tobnaad
Dhacdooyinka sanadka sagaaI iyo tobnaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah in la dilay daallinka Humuz bin Anuu Sharwaan ‫هرمز بن أنو‬
‫ شروان‬ah, kaddib markii xukunka laga xayuubiyay, kaddib markuu boqor ahaa kow iyo toban
sano, toddoba bilood iyo toban maalmood.
Sanadka labaatanaad
Dhacdooyinka sanadka labaatanaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam waxaa ka mid ah, siday riwaayadaha qaarkood leeyihiin, inuu dhacay xarbiga Al
Fijjaari Al Aakhir\‫حرب الفجار اآلخر‬, oo aan hore uga soo warrannay. Xarbigaas wuxuu dhacay,
siday riwaayadaha qaarkood xuseen, bisha Shawwaal\‫شوال‬.
Xilfu al faduuli\‫حلف الفضول‬
Dhacdooyinka sanadkaan labaatanaad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam waxaa ka mid ah is gaashaan buursiga la yiraahdo Xilfu Al Faduuli‫حلف الفضول‬,
dhacayna, siduu u wariyay Xakiim bin Xizaam\‫ حكيم بن حزام‬oo yiri:
"Xilfu al Faduuli\‫ حلف الفضول‬wuxuu ahaa markay Qurayshi\‫ قريش‬kasoo laabatay Xarbi Al
Fijjaari\‫حرب الفجار‬, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, labaatan
jirsaday."
Waxaa kaloo la yiri: "Al Fijjaari\‫ الفجار‬wuxuu ahaa bisha Shawwaal\‫ شوال‬ee isla sanadkaan, is
gaashaan buursiguna wuxuu ahaa bisha Thuu Al Qacdah\‫ذو القعدة‬, wuxuuna ahaa heshiiska ugu
sharaf badan.
Waxaaba Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu yiri:
".‫"شهدت حلفا في دار إبن جدعان ما أحب أن لي به حمر النعم‬
"Shahidtu xilfan fii daari ibna Judcaana maa uxibbu an lii bihi xumuru al nacmi.
Wa law duciitu la ajabtu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan goob joog ahaa xilfi, oo ah heshiis la isku gaashaan buursado, ee ka dhacay daarta Ibnu
Judcaan\‫ إبن جدعان‬dhexdeeda, oo aanan dhaafsan lahayn xumuru al nacmi, oo lagu fasiray geel
qiimo badan oo magacaas leh, ama maalka adduunkoo idil."
Xilfigaasu wuxuu ahaa sidatan.
Al Xumaydii\‫ الحميدي‬wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam,
yiri:
‫ تحالفوا أن يردوا الفضول على‬.‫"لقد شهدت في دار عبد هللا بن جدعان حلفا لو دعيت به في األسالم ألجبت‬
".‫أهلها وأال يعز ظالم مظلوما‬
251
"La qad shahidtu fii daari Cabdu Allaahi bin Judcaan xilfan law duciitu bihi fii Al
Islaami la ajabtu. Taxaalafuu an yarudduu al faduula calaa ahlihaa wa allaa yucizzu
thaalimun mathluuman."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan goob joog ka ahaa daarta Cabdu Allaahi bin Judcaan‫ عبد هللا بن جدعان‬dhexdeeda is
gaashaanbuursi haddii IsIaamka dhexdiis la iigu yeero inaan galo aan yeeli lahaa. Waxayna isku
gaashaan buursadeen inayan mid daalin ah ayan uga hiillin mid la thulmiyay."
Heshiiskaas waxaa isku gaashaan buursaday reer Banuu Haashim \‫ بنو هاشم‬iyo Banuu Al Mudhdhalib\‫ بنو المطلب‬iyo Banuu Asad\‫ بنو أسد‬iyo Banuu Zuhrah\‫ بنو زهرة‬iyo Banuu Taym‫بنو تيم‬,
iskuna gaashaan buursaday inay qofka Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda lagu thulmiyo ay u gargaaraan oo
ay uga hiilliyaan kan dulmiyay, xaqqiisana ay ka siiyaan.
Sababta is gaashaan buursigaani waxay ahayd sidatan: nin u dhashay qabiilka Carbeed ee
Zubayd\‫زبيد‬, ayaa Makkah\‫ مكة‬wuxuu keensaday badeeco uu iibinayo.
Markaasaa waxaa ka gatay Al Caas bin Waa'il Al Sahmiyyi \‫العاص بن وائل السهمي‬, oo sharaf lahaa,
madaxda Qurayshna\‫ قريش‬ka mid ahaa.
Markaasuu lacagtiisa u diiday.
Markaasuu ninku wuxuu gargaar waydiistay gaashaanbuurta ka kooban Qurayshta Cabdu Al
Ddaar\‫ عبد الدار‬iyo Banuu Makhzuum\‫ بنو مخزوم‬iyo Banuu Jumax\‫ بنو جمح‬iyo Banuu Sahm\‫بنو سهم‬,
oo la isku yiraahdo Al Axlaafu\‫األحالف‬.
Markaasey ka diideen, oo ayba isagii canaanteen. Ninku markuu shartaas arkay ayuu dul fuulay
buurta Abuu Qubays\‫ أبو قبيس‬oo Kacbada agteeda ku taalla, hadana uu guriga boqorku ka kor
dhisan yahay, markay qorraxdu soo baxday ayadoo ay Qurashi \‫ قريش‬naadiyadeeda Kacbada
hareereheeda ah fadhido.
Markaasuu gabay tiriyay uu ku calaacalayo, Xarmaka dhexdiisana inu lagu dhacay uu sheegayo,
uuna yiri taasi waa xaaraan, Qurayshna\‫ قريش‬ma qabato.
Markaasaa waxaa istaagay Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫الزبير بن عبد المطلب‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, oo yiri:
".‫"ما لهذا مترك‬
"Tan lagama tegi karo", ee waa in wax laga qabtaa.
Markaasey intoodaas aan soo sheegnay guriga Cabdu Allaahi bin Judcaan\‫ عبد هللا بن جدعان‬isugu
yimaadeen oo ay heshiiskaas ku kula dhigteen, inay kan la gardarraysto xaqqiisa u soo celiyaan
intay baddana biyo ku jiraan buuraha Thabiir\‫ ثبير‬iyo Xaraa'-na\‫ جبل حراء‬ay meeshooda ku sugan
yihiin.
Markaasey Quraysh\‫ قريش‬waxay tiri:
"Kuwaasi waxay galeen arrin faduuli ah".
Sidaas ayaa heshiiskaas magacaas loogu bixiyey. Heshiiska kaddib waxay u tageen Al Caas bin
Waa'il\‫العاص بن وائل‬, oo ay badeecada ninkii Zubaydiga\‫ الزبيدي‬ah kasoo qaadeen oo ay usoo
252
celiyeen.
Faduul\‫ فضول‬waxaa la yiraahdaa waxaan loo baahnayn oo inta loo baahan yahay dheeri ka ah.
Ashtakadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Abuu Dhaalib ‫أبو‬
\‫طالب‬
Dhacdooyinka sanadkaan labaatanaad waxaa ka mid ah inuu Rasuulka Ilaahay,Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, adeerkiis Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬usoo ashtakooday, isagoo, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, labaatan jirsaday, uuna ku yiri:
".‫ "هو هو! ولم يأن له‬:‫ فينظرون إلي ويقولون‬،‫ إني منذ ليال يأتيني آت معه صاحب له‬،‫"يا عم‬
"Yaa camm, inni munthu layaalin ya'tiinii aatin macahu saaxibaani lahu, fa
yanthuruuna i1ayya wa yaquuluuna: "Huwa Huwa! Wa lam ya' ni lahu ". Fa
qad haalanii thaalika".
Xadiithka macnihiisu waxaa weey:
"Adeerow, tan iyo dhawr habeen waxaa ii yimaada mid yimaada, ayna la socdaan laba
saaxiibbadiis ah. Marakaasay aniga i fiiriyaan, waxayna yiraahdaan:
"Kani waa isagii, welise uma ayan ahaan, oo watigii lama gaarin. Arrinkaasna wuu i cabsiiyey."
Markaasuu adeerkiis wuxuu ku yiri:
"Wiilka walaalkeeyow, taasi ma aha waxaan ahayn riyo aad ku riyootay."
Markaas kaddib ayuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadana adeerkiis usoo noqday, oo uu
ku yiri:
".‫ حتى إني ألجد بردها‬،‫ فأدخل يده في جوفي‬.‫ سطا بي الرجل الذي ذكرت لك‬،‫"يا عم‬
"Yaa camm, sadhaa bii al rrajulu allathii thakartu laka. Fa adkhala yadahu fii
jawfii, xattaa innii la ajidu bardahaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Adeerow waxaa i qahray oo i qabtay ninkaan kaaga warramay, markaasuu gacantiisa uurkeyga
geliyay,oo aan qabawgeeda ilaa hadda dareemayaa."
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo waday, una
keenay nin ehelu kitaabka ka mid ah, oo Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda dadka ku daaweeya.
Markaasuu warkii Nabiga, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, u sheegay, wuxuuna ku yiri:
"Daawee".
Markaasuu ninku intuu sawaabta oo ah garta siiyay Nabiga, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, oo
uu ku foorarsaday, ayuu labadiisa cagood marada ka fay day , uuna labadiisa garab dhexdooda
fiiriyay, uuna markaas Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri:
"Cabdu Manaafow\‫( !عبد مناف‬waana Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
magaciisa), wiilkaagaani wuu
253
fiyowyahay, waana fiican yahay, khayr ayaana dhexdiisa ah, waxaanna ku yaalla calaamado
hadday yuhuuddu ku aragto ay dileyso. Wuxuu arkayna shaydhaan kama imaanine, waase mid
ka mid ah Malaa'igta baara quluubta Nabinnimada."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, soo noqday, wuxuna ku riyooday
inuu nin labadiisa garab dhexdooda gacanta ka saaray, kaddibna uu gacantiisa geliyay, uuna
qalbigiisa soo bixiyay, kaddibna uu yiri:
"Waa qalbi fiicanoo jir fiican ku jira."
Markaasuu meeshiisa ku celiyay, uuna Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hurdada kasoo
kacay.
Kaddibna wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, yiri:
.‫ ونزل منه إلي رجالن‬،‫"ثم رأيت وأنا نائم سقف البيت الذي أنا فيه نزعت منه خشبة وأدخل فيه سلم‬
‫ قلب رجل صالح ونبي‬،‫ "نعم القلب قلبه‬:‫ ثم إستخرج قلبي فقال‬.‫ واآلخر إلى جنبي‬،‫فجلس أحدهما جانبا‬
".‫ فاستيقظت والسقف على جاله‬.‫" ثم رد قلبي مكانه وضلعي‬.‫مبلغ‬
"Thumma ra'aytu wa anaa naa'imun saqfa al bayti allathii anaa fiihi nuzicat
minhu khashabatun wa udkhila fiihi sullamun, wa nazala minhu i1ayya
rajulaani. Fa jalasa axaduhumaa jaaniban, wa al aakharu i1aa janbii. Thumma
istakhraja qalbii fa qaala: "Nicma al qalbu qalbahu, qalba rajulin saalixin wa
Nabiyyin muballigh ". Thumma raddaa qalbii makaanahu wa dalcii. Fa
istayqathtu wa al saqfu calaa xaalihi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kaddibna waxaan arkay, anigoo hurda, saqafka guriga aan dhexdiisa ku jiro oo hal alwaax laga
siibay, kaddibna halkaas jaranjaro laga soo geliyay. Waxaana kasoo degay jaranjaradaas, oo
xaggeyga soo aaday laba nin, oo uu midkoodna meel dhinac ah fariistay, midka kalena aniga
dhinaceyga ayuu fariistay. Kaddibna wuxuu lasoo baxay qalbigayga, wuxuuna yiri: "Waa qalbi
nicmo leh qalbigiisu, waana qalbiga nin suuban iyo qalbiga Nabi Risaalo loo soo dhiibo soo
gaarsiinaya." Kaddibna waxay qalbigayga ku celiyeen meeshiisa, iyo feerahaygaba. Markaasaan
soo kacay, ayadoo uu saqafku xaaladdiisa ku sugan yahay."
Sanadka labo iyo labaatanaad
Markay labo iyo labaatan sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, waxaa dhashay Cabdu Allaahi bin Mascuud\‫عبد هللا بن مسعود‬.
Sanadka saddex iyo labaatanaad
Markay saddex iyo labaatan sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allahu Calayhi
Wasallam, waxaa dhashay Sacd bin Abii Waqqaas\‫سعد بن أبي وقاص‬, Allaha raalli ka noqdee,
Nabi Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, abtigiisa ducadiisuna maqbuulka ahayd,
geesigana ahaa.
254
Sanadka afar iyo labaatanaad
Markay afar iyo labaatan sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam,
waxaa dhashay Al Zubayru bin Al Cawwaamu\‫الزبير بن العوام‬, Allaha raalli ka noqdee, Nabi
Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, ina eedadiisa geesigana ahaa, Allaha raalli ka
wada noqdee.
Magacda Muxammad\‫ محمد‬iyo Axmad\‫ أحمد‬macnohooda
Magaca Muxammad\‫ محمد‬macnihiisu waxaa wceye midka la wada mahdiyay. Axmad\ ‫أحمد‬
macnihiisuna waxaa weeye kan ugu mahad badan inta Rabbigood ku mahad celiya, oo xamdiga
Ilaahay ku xeel dheeraaday.
Xamdiga
Ku xamdinta Ilaahay, oo ah ku mahdintiisu waa wax aad u wayn, xamdiga qaarkiisna Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa gooni loo siiyay, sida:
(Kow) Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maalinta Qiyaame shafeeco
qaadayo, wuxuu Ilaahay Tacaalaa ku xamdinayaa Xamdi uu Ilaahay markaas barayo, markaasuu
ku xamdinayaa, oo uu sidaas ku noqonayaa Axmada Al Xaamidiina\‫أحمد الحامدين‬, oo ah midka
inta xamdida ugu xamdi badan.
Markaasuu Rabbigiis shafeecadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aqbalayaa. Markaasuu
dadkuna Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xamdinayaa
.
(Laba) Suuradda Al Xamdu li Allaahi\‫ الحمد هلل‬isagaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu
gooni yeelay, oo hortiis Nabi kale lama siin.
(Saddex) Maalinta Qiyaame isagaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sida Calanka Xamdiga ‫لواء‬
‫الحمد‬, oo gacantiisuu ku jiraa.
(Afar) Isagaa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam la siiyay oo lagu gooni yeelay Al Maqaamu Al
Maxmuudu‫المقام المحمود‬, oo ah maqaanka la mahdiyo oo uu qof keli ah leeyahay.
(Shan) Annagana waxaa naloo jideeyey in markay arrimuhu noo dhammaadaan aan niraahdno:
Al Xamdu liAllaahi Raabi Al Caalamiina\‫الحمد هلل رب العالمين‬, sida ku xusan Aayadda shan iyo
toddobaatanaad ee Suuratu Al Zumur\‫ سورة الزمر‬iyo Aayadda tobonaad ee Suuratu Yuunus ‫سورة‬
‫يونس‬:
ِ
ِ
ِ ‫اه ْم أ‬
ِّ ‫َن اْل َح ْم ُد لِلَّ ِه َر‬
)20( ‫ين‬
ُ ‫َوآَخ ُر َد ْع َو‬
َ ‫ب اْل َعالَم‬
" Wa aakhiru dacwaabum ani Al Xamdu li Allaahi Rabbi Al Caalamiina ",
oo macneheedu yahay:
"Ducadoodana waxaa ugu dambecya ayagoo leh Al Xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiin ‫الحمد هلل‬
‫رب العالمين‬a."
‫‪255‬‬
‫الحمد‬
‫‪Markaan cunnada cunnana waa annaga niraahna Al Xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina‬‬
‫‪.‬هلل رب العالمين‬
‫‪Markaan safar ama socdaal kasoo laabannana waa isaguu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi‬‬
‫‪Wasallam, noo sunneeyey inaan niraahno:‬‬
‫آئبون‪ ،‬تائبون‪ ،‬عابدون‪ ،‬لربنا حامدون‪".‬‬
‫‪" Aayibuuna, taa’ibuuna, caabiduuna, li Rabbinaa xaamiduuna ",‬‬
‫‪oo macneheedu yahay:‬‬
‫"‪"Annagoo noqonnay, oo tawbad keeneynna, caabdueynna Rabbiga caalamiinta, xamdineynana.‬‬
‫‪Xamdiga Keligiis, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, la siiyey‬‬
‫‪Wuxuu Muslim Abuu Hurayrah ka wariyay inuu yiri:‬‬
‫اوتي رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يوما بلحم فرفع إليه الذراع‪ ،‬وكانت تعجبه‪ ،‬فنهس منها فقال‪:‬‬
‫"أنا سيد الناس يوم القيامة‪ ،‬وهل تدرون بم ذلك؟ يجمع هللا يوم القيامة األولين واألخرين في ساعد واحد‪.‬‬
‫فيسمعهم الداعي‪ ،‬وينفذهم البصر‪ ،‬وتدنو الشمس‪ .‬فيبلغ الناس من الغم والكرب ما ال يطيقون‪ ،‬وما ال‬
‫يحتملون‪ .‬فيقول بعض الناس لبعض‪:‬‬
‫"أال ترون ما أنتم فيه؟ أال ترون ما قد بلغكم؟ أال تنظرون من يشفع لكم إلى ربكم؟"‬
‫فيقول بعض الناس لبعض‪" :‬أؤتوا آدم!" فيأتون آدم‪ ،‬فيقولون‪:‬‬
‫"يا آدم‪ ،‬أنت أبو البشر‪ ،‬خلقك هللا بيده‪ ،‬ونفخ فيك من روحه وأمر المالئكة فسجدوا لك‪ .‬اشفع لنا إلى ربك‪،‬‬
‫أال ترى ألى ما نحن فيه؟ أال ترى إلى ما قد يلغنى؟"‬
‫فيقول آدم‪:‬‬
‫"إن ربي غضب اليوم غضبا لم يغضب قبله مثله‪ ،‬ولن يغضب بعده مثله‪ ،‬وإنه نهاني عن الشجرة‬
‫فعصيته‪ .‬نفسي! نفسي! اذهبوا إلى غيري‪ .‬اذهبوا إلى نوح‪".‬‬
‫فيأتون نوحا فيقولون‪:‬‬
‫"يا نوح! أنت أول الرسل إلى األرض‪ ،‬وسماك هللا عبدا شكورا‪ .‬اشفع لنا إلى ربك‪ .‬أال ترى ما نحن فيه؟ أال‬
‫ترى ما قد بلغنا؟"‬
‫فيقول لهم‪:‬‬
‫‪" :‬إن ربي قد غضب اليوم غضبا لم يغضب قبله مثله‪ ،‬ولن يغضب بعده مثله‪ ،‬وإنه قد كانت لي دعوة‬
‫دعوت بها على قومي‪ .‬نفسي! نفسي! اذهبوا إلى إبراهيم‪ ،‬صلى هللا عليه وسلم‪".‬‬
‫فيأتون إبراهيم‪ ،‬فيقولون‪" :‬أنت نبي هللا وخليله من أهل األرض اشفع لنا إلى ربك‪ .‬أال ترى ما نحن فيه؟ أال‬
‫ترى ما قد بلغنا؟"‬
‫فيقول لهم‪:‬‬
‫"إن ربي قد غضب اليوم غضبا لم يغضب قبله مثله وال يغضب بعده مثله‪ .‬وذكر كذباته‪ .‬نفسي! نبسي!‬
‫اذهبوا إلى غيري‪ .‬اذهبوا إلى موسى‪".‬‬
‫فيأتون موسى‪ ،‬صلى هللا عليه وسلم‪ ،‬فيقولون‪:‬‬
‫"يا موسى أنت رسول هللا‪ ،‬فضلك هللا برساالته وبتكليمه على الناس‪ .‬اشفع لنا إلى ربك‪ .‬أال ترى ما نحن‬
‫فيه؟ أال ترى ما قد بلغنا؟"‬
256
:‫فيقول لهم موسى صلى هللا عليه وسلم‬
.‫ وأني قتلت نفسا لم أومر بقتلها‬،‫"أن ربي قد غضب اليوم غضبا لم يغضب قبله مثله ولن يغضب بعده مثله‬
".‫ صلى هللا عليه وسلم‬،‫تفسي! نفسي! اذهبوا إلى عيسى‬
:‫ فيقولون‬،‫فيأتون عيسى‬
‫ فاشفع لنا إلى‬.‫ وروح منه‬،‫ وكلمة منه ألقاها إلى مريم‬،‫"يا عيسى! أنت رسول هللا وكلمت الناس في المهد‬
"‫ ألى تري ما نحن فيه؟ أال ترى ما قد بلغنا؟‬.‫ربك‬
:‫ صلى هللا عليه وسلم‬،‫فيقول عبسى‬
!‫ نفسي‬.‫ ولم يذكر له ذنبا‬،‫"إن ربي قد غضب اليوم غضبا لم يغضب قبله مثله ولن يغضب بعده مثله‬
".‫ صلى هللا عليه وسلم‬،‫ اذهبوا إلى محمد‬،‫نفسي! اذهبوا إلى غيري‬
:‫ فيقولون‬،‫فيأنوني‬
‫ اشفع لنا إلى ربك! أال‬.‫ وغفر هللا لك ما تقدم من ذنبك وما تأخر‬،‫"يا محمد! أنت رسول هللا وخاتم األنبياء‬
"‫ترى ما نحن فيه؟ أال ترى ما قد بلغنا؟‬
‫ ثم يفتح هللا علي ويلهمني من محامده وحسن الثناء عليه‬.‫ فأقع ساجدا لربي‬،‫فأنطلق فأتي تحت العرش‬
:‫ ثم قال‬.‫شيئا لم يفتح ألحد قبلي‬
"!‫ تشفع‬:‫يا محمد! ارفع رأسك! سل تعطه! اشفع‬
:‫ فأقول‬،‫فأرفع رأسي‬
!‫"يا ربي! أمتي‬
:‫فيقول‬
‫ وهم شركاء الناس‬،‫ من الباب األيمن من أبواب الجنة‬،‫"يا محمد! أدخل الجنة من أمتك من الحساب عليه‬
".‫فيما سوى ذلك من األبواب‬
‫ أو كما بين مكة‬،‫ إن ما بين المسرعين من مسارع الجنة لكما بين مكة وههجر‬،‫والذي نفس محمد بيده‬
".‫وبصرى‬
"Uutiya Rasuulu Allaahu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallama yawman bi laxmin fa rufica ilayhi
al thiraacu, wa kaanat tucjibuhu, fa nahasa minhaa nahsatan fa qaala:
"Anaa sayyidu al nnaasi Yawma al Qiyaamati, wa hal tadruuna bima thaalika? Yajmacu
Allaahu Yawma Al Qiyaamati al awwaliina wa al aakhiriina fii saacidin waaxidin. Fa
yusmicuhum al daacii, wa yanfuthuhum al basaru, wa tadnuu al shamsu. Fa yablughu al
naasa min al ghammi wa al karbi maa laa yudhiiquuna, wa maa laa yaxtamiluuna. Fa
yaquulu bacdu al naasi li bacdin: alaa tarawna maa antumm fiihi? Alaa tarawna maa qad
balaghakum? Alaa tanthuruuna man yashfacu lakum ilaa Rabbikum? Fa yaquulu bacdu
al nnaasi li bacdin: "u'tuu Aadama!" Fa ya'tuuna Aadama, fa yaquuluuna: "Yaa Aadamu,
anta abuu al bashari, khalaqaka Allaahu bi Yadayhi, wa nafakha fiika min ruuxihi, wa
amara Al Malaa'ikata fa sajaduu laka. Ishfac lanaa ilaa Rabbika, alaa taraa ilaa maa
naxnu fiihi? Alaa taraa ilaa maa qad balaghanaa?" Fa yaquulu Aadamu: "Inna Rabbii
ghadiba al yawma ghadban lam yaghdab qablahu mithlahu wa lan yaghdaba bacdahu
mithlahu, wa Innahu nahaanii cani al sh-shajarati fa casaytuhu. Nafsii! Nafsii! Ith-habuu
ilaa ghayrii. Ith-habuu ilaa Nuuxin." Fa ya'tuuna Nuuxan fa yaquuluuna: "Yaa Nuuxu!
Anta awwalu Al Rrusuli ilaa al ardi, wa sammaaka Allaahu cabdan shakuuran. Ishfac
lanaa ilaa Rabbika. Alaa taraa maa naxnu fiihi? Alaa taraa maa qad balaghanaa?" Fa
yaquulu lahum: "Inna Rabbii qad ghadiba al yawma ghadban lam yaghdab qablahu
257
mithlahu, wa lan yaghdaba bacdahu mithlahu, wa innahu qaad kaanat lii dacwatun
dacawtu bihaa calaa qawmii. Nafsii! Nafsii! Ith-habuu ilaa Ibraahiima, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallama". Fa ya'tuuna Ibraahiima, fa yaquuluuna: "Anta Nabiyuu Allaahi wa
Khaliiluhu min ahli al ardi ishfac lanaa ilaa Rabbika. Alaa taraa ilaa maa naxnu fiihi?
Alaa taraa ilaa maa qad balaghanaa?" Fa yaquulu lahum: "Inna Rabbii qad ghadiba al
yawma ghadban lam yaghdab qablahu mithlahu wa laa yaghdabu bacdahu mithlahu. Wa
thakara kathabaatihi. Nafsii! Nafsii! Ith-habuu ilaa ghayrii. Ith-habuu ilaa Muusaa". Fa
ya'tuuna Muusaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallama, fa yaquuluuna: "Yaa Muusaa! Anta
Rasuulu Allaahi, faddalaka Allaahu bi Risaalaatihi wa bi Takliimihi calaa al nnaasi. Ishfac
lanaa ilaa Rabbika. Alaa taraa maa naxnu fiihi? Alaa taraa maa qad balaghanaa?" Fa
yaquulu lahum Muusaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallama: "Anna Rabbii qad ghadiba al
yawma ghadban lam yaghdab qablahu mithlahu wa lan yaghdaba bacdahu mithlahu, wa
annii qataltu nafsan lam uumar bi qatlihaa. Nafsii! Nafsii! Ith-habuu ilaa Ciisaa, Salla
Allaahu Calayhi Wasallam". Fa ya'tuuna Ciisaa, fa yaquuluuna: "Yaa Ciisaa! Anta
Rasuulu Allaahi, wa kallamta al nnaasa fii al mahdi, wa kalimatun minHu alqaahaa ilaa
Maryama, wa Ruuxun minHu. Fa ashfac lanaa ilaa Rabbika. Alaa taraa maa naxnu fiihi?
Alaa taraa maa qad balaghanaa?" Fa yaquulu lahum Ciisaa, Salla Allaahu Calayhi
Wasallama: "Inna Rabbii qad ghadiba al yawma ghadban lam yaghdab qablahu mithlahu,
wa lan yaghdaba bacdahu mithlahu, wa lam yathkur lahu thanban. Nafsii! Nafsii!
Ith-habuu ilaa ghayrii, ith-babuu ilaa Muxammadin, Salla Allaahu Calayhi Wasallama."
Fa ya'tuunii, fa yaquuluuna: "Yaa Muxammadu! Anta Rasuulu Allaahi waa khaatamu Al
Anbiyaa'i, wa ghafara Allaahu laka maa taqaddama min thanbika wa maa ta'akh-khara.
Ishfac lanaa ilaa Rabbika! Alaa taraa maa naxnu fiihi? Alaa taraa maa qad balaghanaa?"
Fa andhaliqu fa aatii taxta Al Carshi, fa aqacu saajidan li Rabbii. Thumma yaftaxu
Allaahu calayya wa yulhimunii min Maxaamidihi wa xusni al th-thanaa'i Calayhi shay'an
lam yaftaxu li axadin qablii. Thummaa qaala: "Yaa Muxammadu irfac ra'saka! Sal
tucdhah! Ishfac: tushaffac!" Fa arfacu ra'sii, fa aquulu: "Yaa Rabbii! Ummatii!
Ummatii!" Fa yaquulu: "Yaa Muxammadu! Adkhili al jannata min ummatika man laa
xisaaba calayhi, mina al baabi al aymani min abwaabi al jannati, wa hum shurakaa'u al
naasi fiimaa siwaa thaalika mina al abwaabi." Wa Allathii nafsu Muxammadin bi Yadihi,
inna maa bayna al misraacayni min masaariici al jannati la kamaa bayna Makkata wa
Hajara, aw kamaa bayna Makkata wa Busraa."
Xadiithkaan oo ah midka boqol iyo afar iyo sagaashanaad ee Saxiixu Muslim, macnihiisu waxaa
weeyey:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa maalin hilib loo keenay, markaasaa
garabka kor loogu soo qaaday, o uu jeclaa. Markaasuu ilkaha fooddooda wax yar uga goostay,
wuxuuna yiri:
"Anigaa sayyidka hoggaamiyaha dadka ah Maalinta Qiyaame. Mana ogtihiin sababta, ay taasi
sidaas ugu ahaatay? Maalinta Qiyaame Ilaahay wuxuu ku kulminayaa kuwii hore iyo kuwii
dambeba (waa banii Aadanka oo idil) arli siman oo waasic ah. Markaasuu midka dadka u
yeerayaa uu codkiisa wada maqashiinayaa, oo ay wada maqlayaan, ayadoo uu mid walbana uu
khalqiga intiisa kale indhihiisa ka wada dusinayaa, oo wada arkayaa (ayagoo meel wada siman
wada taagan). Qurraxduna way soo dhowaaneysaa.
Markaasuu dadku walwalayaa oo uu kurboonayaa, ilaa heer ayan karin oo ayan qaadi karin.
Markaasuu dadka qaarkiis wuxuu qaar kale ku leeyahay:
258
"Miyeydnaan u jeedin xaaladdaad ku sugan tihiin? Miyeydnaan arkin waxa dhib ah oo idin soo
gaaray? Yaa Rabbigiin idiinka shafeeco qaadaya?" (Oo si xaaladdaan ay uga gudbaan oo looga
dul qaado)."
Markaasey dadka qaarkiis waxay qaar kale ku leeyffiiin: "Aadan u taga". Markaasey Aadan\‫آدم‬
u imaanayaa, waxayna leeyihiin:
"Aadanow! Adigaa basharka aabohood ah, llaahayna Gacantiisa ayuu kugu abuuray, uuna
Ruuxiisa kugu afuufay, Malaa'igtana uu amray oo ay kuu sujuudeen. Rabbigaa nooga shefeeco
qaad, oo soo uma jeedid xaaladdaan ku sugannahay? Oo soo uma jeedid waxa dhib ah oo nasoo
gaaray?"
Markaasuu Aadan wuxuu lecyahay:
"Waxaa hubaal ah inuu Rabbigay maanta wuxuu carooday caro mid la mid ah uusan hore u
caroon, dabadeedna uusan carooneyn mid ayada la mid ah (Caradaan Ilaahayna ma aha carada
dadka oo kale, ee waa waxa ka muuqanaya maalintaas aargoosigiisa uu ka aargoosanayo kuwii
adduunka ku caasiyey, iyo waxay ka arkayaan maalintaas xanuunka cathaabtiisa, iyo waxay
dadka arligaas siman lagu kulmiyey ay dareemayaa oo ah walwal iyo kurbo, oo kuwaasoo idil
ayan maalintaas horteed jiri jirin, dabadeedna ayan jiri doonin wax la mid ah: taas weeye carada
uu Adan ka wado, sida ay raallinnimada Rabbigu ku muuqaneyso muujinta la muujiyo
raxmadiisa iyo naxariistiisa uu siinayo kuwa uu khayrka iyo karaamada la doonayo), Isaguna
wuxuu iga reebay geedka (ka cunidiisa), markaasaan caasiyay amarkiisa (oo aan diiday).
Naftayda! Naftayda! (nafteydaa ii daran oo aan ku mashquulsanahay inay badbaaddo). Qof aan
aniga ahayn u taga. U taga Nuux\‫نوح‬."
Markaasey Nuux\‫ نوح‬u imaanayaan, waxayna ku leeyihiin:
"Nuuxow! Adigaa ah kii ugu horreeyey Rususha arliga loo soo diro, Ilaahayna wuxuu kugu
magacaabay Cabdan Shakuuran\‫( عبدا شكورا‬Addoon mahdiya, sida ugu xusan Aayadda
saddexaad ee Suuratu Al Israa'i\‫)سورة اإلسراء‬. Nooga shafeeco qaad Rabbigaa, oo soo uma jeedid
xaaladdaan ku sugannahay? Oo soo uma jeedid waxa dhib ah oo nasoo gaaray?"
Markaasuu wuxuu ku leeyahay:
"Waxaa hubaal ah inuu Rabbigay carooday maanta caro mid la mid ah uusan hore u caroon,
dabadeedna uusan carooneyn mid la mid ah. Aniguna waxaan lahaa hal duco (oo la aqbalo),
ducadaasna waxaan ku isticmaalay anigoo dadkeyga ku habaaray. Nafteyda! Nafteyda! Aada
Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam".
Markaasey Ibraahiim u imanayaan, waxayna leeyihiin:
"Adigu waxaad tahay Nabiga Ilaahay iyo Khaliilkiisa (saaxiibkiisa dhow) ee dadka arliga ku
nool. Marka nooga shafeeco qaad Rabbigaa, oo soo umaad jeedid xaaladda aan ku sugannahay?
Oo soo ma aragtid waxa dhib ah oo nasoo gaaray?"
Markaasuu Ibrahiirn‫ إبراهيم‬wuxuu ku, leeyahay:
259
"Waxaa hubaal ah inuu Rabbigay carooday maanta caro mid la mid ah uusan hore u caroon,
dabadeedna uusan carooneyn mid la mid ah. Wuxuuna xusay beenihiisii. Nafteyda! Naftayda!
Qof aana aniga ahayn u taga. Waxaad aadaan Muuse\‫"موسى‬.
Markaasey Muuse\‫ موسى‬u imaanayaan Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, waxayna leeyihiin:
"Muusow! Adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay, Ilaahayna wuxuu dadka kaaga, fadli yeelay
Risaaladiisa iyo inuu kula hadlay. Marka nooga shafeeco qaad Rabbigaa, oo soo umaad jeedid
xaaladda aan ku sugannahay? Oo soo ma aragtid waxa dhib ah oo nasoo gaaray?"
Markaasuu Muuse wuxuu ku leeyabay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
"Waxaa hubaal ah inuu Rabbigay carooday maanta caro mid la mid ah uusan hore u caroon,
dabadeedna uusan carooneyn mid la mid ab. Aniguna naf ayaan dilay aan dilkeeda la igu amrin.
Naftayda! Naftayda! Ciise\‫ عيسى‬aada, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Markaasey Ciise\‫ عيسى‬u imaanayaan, waxayna ku leeyihiin:
"Ciisow! Adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay, adigoo markaas dhashayna ayaad dadka la
hadashay, waxaadna tahay kalimad (erayguna waa kun oo ah ahow, oo Ciise uurka hooyadiis
lagu ahaysiiyey, isagoo aan aabe lahayn) uu Maryama \‫ مريم‬ku ganay iyo Ruuxa Isaga ka yimid.
Marka nooga shafeeco qaad Rabbigaa, oo soo umaad jeedid xaaladda aan ku sugannahay? Oo
soo ma aragtid waxa dhib ab oo nasoo gaaray?"
Markaasuu Ciise‫ عيسى‬ku leeyahay:
"Waxaa hubaal ah inuu Rabbigay carooday maanta caro mid la mid ah uusan hore u caroon,
dabadeedna uusan carooneyn mid la mid ah. Dambi uu galayna ma uusan sheegin. (waa Ciisee)
Naftayda! Naftayda! U taga qof aan aniga ahayn. Waxaad aadaan Muxammad\‫محمد‬, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam."
Markaasay aniga ii imaanayaan, waxayna leeyffiiin:
"Muxammadow‫ !محمد‬Adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay iyo midka Anbiyada lagu
gunaanaday, Ilaahayna waa kaa dhaafay inta hore ee dambigaaga iyo inta, dambeba. Nooga
shafeeco qaad Rabbigaa, oo soo umaad jeedid xaaladda aan ku sugannahay? Oo soo ma aragtid
waxa dhib ah oo nasoo gaaray?"
Markaasaan dhaqaaqayaa oo waxaan imaanayaa Carshiga\‫ العرش‬hoostiisa. Markaasaan
Rabbigay sujuud ula dhacayaa. Markaasuu Ilaahay i barayaa, iguna ilhaaminayaa qaar ka mid ah
maxaamiddiisa (sida loogu xamdiyo oo loogu mahdiyo), iyo sida si suuban loogu ammaano,
uusanna hortay u barin axad kale. Kaddibna wuxuu yiri:
"Muxammadow‫ !محمد‬Madaxaaga sujuudda kor uga soo qaad, waydiisana waxaad doontid waa
lagu siinayaaye. Shafeecana qaad waana laga yeelayaaye."
260
(Bal sharfiddaas Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyey dhugo: inuu Ilaahay
Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬si toos ah Isagoo magaciisa ugu yeeray ula hadlay, una sheegay inuu wuxuu
weydiisto siinayo!!!).
Markaasaan madaxayga kor usoo qaadayaa, waxaanna leeyahay:
"Rabbiyow: ummaddeyda, ummaddeyda!".
Markaasaa waxaa la leeyahay:
"Muxamadow! Jannada ka geli ummaddaada intaan xisaabi korkooda ahayn albaabka midigta
xiga ee albaabada Jannada, ayagoo dadka intiisa kalena la wadaaga inta midkaas kasoo hartay ee
albaabbada Jannada".
Waxaan ku dhaartay Midka ay nafteydu Gacantiisa ku jirto, labada gees ee albaab kasta ee
albaabada Jannada waxaa u dhexeysa in la mid ah inta u dhexeysa Makkah\‫ مكة‬iyo Hajara\‫هجر‬
(ama Haajiri. Hajar:‫هجر‬, waxay ahaan jirta magaalo madaxda gobolka la oran jiray Baxrayn\
‫البحرين‬oo koobayay xeebta gobolka Sucuudiga ee la yiraahdo Najd\‫ النجد‬oo u dhexeysa Qadhar
‫ قطر‬iyo Kuwayt\‫كويت‬, maanta waxaa la yiraahdaa Al Hufuufu\‫الهفوف‬, waxaa kaloo la yiraahdaa Al
Xasaa ama Al Xasaa’u\‫ الحسا \ المساء‬markay koobantayna boqortooyada sucuudigu waxaa
gobolkaan loo bixiyay Al Mandhighatu Al Sharqiyyah\‫ المنطقة الشرقية‬ayna ku yaalliin
magaalooyin ay ka mid yihiin Al Qadhiif, iyo Al Thahraan oo ah caasimadda batroolka, iyo
Khubar, ayna magaalo madax u tahay Damaam, siduu Al Balaadii oo sacuudi u dhashay Allaha u
naxariistee ugu wariyay kitaabkiisa mucjamu Al Mcaalimi Aljughraafiyah fii Al Siirati Al
Nabawiyyah\‫معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية‬, wuxuu kaloona yiri in jaziiradda wayn oo maanta
ah dawladda Baxrayn hore loo oran jiray ”Uwaal”), ama inta u dhexeysa Makkah\‫ مكة‬iyo
Busraa\‫( بصري‬oo ah magaalo ah Dimishiq\‫ دمشق‬agteeda ee arliga Suuriya\‫ سوريا‬: intaan Busraa
loo bixinna waxaa la oran jiray Xawraan\‫حوران‬, waxayna u dhexeysa oo ay isku masaafo u jirta
Cammaan\‫ عمان‬caasimadda Urdun‫ أردن‬iyo Dimashq\‫ دمشق‬magaalo madaxda dalka Suuriya
\‫سوريا‬, maanta burburkeeda ay ku yaalla agagaarka magaalada Suuriya\‫ سوريا‬ku taalla ee la
yiraahdo ”Darcah\‫ ”درعة‬oo Busraa\‫ بصرى‬iyo Darcaaba\‫ درعة‬waxay ku dhex jiraan xuduudda
dalka Suuriya\‫سوريا‬, waxayna saaran yihiin oo dhawr kiiloomitir u jiraan xuduudda ay la
leedahay Urdun\‫أردن‬. Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laba
goor ayuu Busraa\‫ بصرى‬yimid: marka koowaad isagoo laba iyo toban jir ah oo adeerkiis Abuu
Dhaalib\‫ أبو طالب‬la socda, marka labaadna isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam shan iyo labaatan jir ah oo wada safarka ganacsi ee Khadiijah bintu Khuwaylid ‫خديجة بنت‬
‫خويلد‬, oo markuu safarkaan ka laabtay guursaday oo sidaas ku noqotay hooyadeen Ummu Al
Mu’miniina\‫أم المؤمنين‬. Al Nawawii\‫ النووي‬wuxuu Tahthiibu Al Asmaa'i wa Al Llughaati ‫تهذيب‬
‫ األسماء واللغات‬ku sheegay inuu wadanka Nabi Ayyuub\‫ نبي هللا أيوب‬dadkeedana loo diray ahaa
magaalada Xawraan\‫حوران‬, halkaasna uu qabrigiisu ku yaallo tuulada Nawaa\‫ نوى‬agteeda,
halkaasoo uu masjid ugu yaallo. Darcah\‫ درعة‬waaa magalaaday ka bilaabmeen rabshadaha
sanooyinkaan dalka Suuriya\‫ سوريا‬ka socda, Allaha damiyee oo muslinka badbaadiyee.)"
Waana Xadiithka boqol iyo afar iyo sagaashanaad ee Saxiixu Muslim‫صحيح مسلم‬.
Imaam Al Nawawii\‫اإلمام النووي‬, markuu sharxayeyna wuxuu yiri:
"Garabku ma uusan ahayn cadka hilibka uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ugu jecelyahay, wuxuuse ahaa Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, mid aan helin hilib uu
cuno, kaddib markuu wax badan moog yahay mooyee. Markaasuu cunidda garabka u degdegi
261
jiray, maxaa yeelay wuxuu ku karsamaa si dhakhso badan. Qaalli Ciyaadna, Allaha u naxariistee,
wuxuu yiri: "Jeceylkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee uu garabka jeclaa waxaa u sabab
ahayd siduu dhakhso ugu bislaado, iyo degdegsiimaha loo cuni karo, iyo jileeciisa, iyo badnaanta
macaankiisa, iyo macaanka dhadhankiisa, iyo fogaanta, uu ka fogyahay meelaha xunxun ee
neefka (sida uuska, iwm)".
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Cabdu Allaahi ibnu Cumar\‫ عبد هللا إبن عمر‬ka wariyay inuu yiri, waana
qaybta dambe ee Xadiith intaan ka dheer:
"Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u shafeeco qaadayaa in
khalqiga la kala xukumo, markaasuu soconaya ilaa uu ku dhego dugaagadda albaabka (Jannada).
Markaasuu Ilaahay Maalintaas wuxuu siinayaa Maqaaman Maxmuudan\‫( مقاما محمودا‬oo ah
maqaan lagu mahdiyo), ayna ku xamdinayaan (ku mahdinayaan) khalqiga meeshaas ku kulansan
(oo ah Bani Aadanka oo idil) kulligood".
Waa Xadiithka Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ee kun iyo afar boqol iyo shan iyo toddobaatan, kuna jira
Kitaabka Zakada.
Ciise\‫ عيسى‬ayaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, magaca uunka ku
baryaya
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku wariyay, waana Xadiithka lix kun iyo
shan boqol iyo labo iyo todobaatan ee Kitaabka Kitaabu Al Riqaaqi\‫كتاب ابرقاق‬, waana
riwaayadda Al Nadru bin Anas\‫النضر بن أنس‬, inuu aabihiis Anas bin Maalik\‫ أنس بن مالك‬ka wariyay
inuu yiri: "Waxaa ii warramay Nabiga Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri:
‫ "يا محمد! هذه األنبياء قد جاءتك يسألون لتدعو‬:‫"إني لقائم أنتظر أمتي تعبر الصراط إذ جاء عيسى فقال‬
".‫ لغم ما هم فيه‬،‫هللا أن يفرق جمع األمم إال حيث يشاء‬
"Innii la qaa'imun antathiru ummatii tacbaru Al Ssiraadha ith jaa-a Ciisaa fa qaala: "Yaa
Muxammadu haathiihi Al Anbiyaa'u qad jaa'atka yas'aluuna li tadcuu Allaah an yafriqa
jamca al umami ilaa xaythu yashaa'u, li ghammi maa hum fiihi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigoo taagan oo sugaya inay ummaddeydu Siraadka\‫ الصراط‬gudubto ayaa waxaa ii yimid Ciise
‫ عيسى‬oo yiri:
"Muxammadow‫ محمد‬, kuwaan ila socda waa Anbiyada, oo kuugu timid ayagoo ku waydiisanaya
inaad Ilaahay baridid inuu kulanka umadaha u kala saaro, (oo kala xukumo) meeshuu doono
(ama Janno ama Naar), si ay uga baxaan ghammiga, waa kurbadee, haysa."
Waxaa Xadiithkaas ku cad inuu Ciise\‫ عيسى‬yahay, oo ay la socdaan Anbiyada kale, oo magaca
khalqiga oo idil Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku. baryaya inuu Ilaahay
uga shafeeco qaado.
262
Qaybaha shafeecada
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu kaloo Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku wariyay inuu Al Nawawii\‫النووي‬
sheegay inay shafeecado shan nooc tahay, oo kala ah:
(Kow) Raaxayn khalqiga maxsharka ku sugan oo idil looga raaxeynayo dhibaatada Mawqifka,
sidaan Xadiithka kore ugu soo aragna.
(Labo) Gelinta dad mu'mininiinta ka mid ah Jannada xisaab la'aan, Allaha naga mid dhigee.
(Saddex) Inaan la cathaabin oo Jannada la geliyo dad la xisaabiyey oo cathaabid mutaystay.
(Afar) Kasoo bixinta Naarta Muslimiin caasiyiin ah.
(Shan) Qof Jannada ku iira oo darajadiisa uu ku sugan yahay mid ka korreysa la siiyo oo kor
loogu qaado.
Calanka Xamdiga\‫لواء الحمد‬
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu Abuu Saciid Al Khudriyyi \‫أبو سعيد الخدري‬, Allaha raalli ka noqdee, ka
wariyay inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
– ‫ وما من نبي يومئذ – آدم فمن سواه‬.‫ وال فخر‬،‫ وبيدي لواء الحمد‬.‫ وال فخر‬،‫"أنا سيد ولد آدم يوم القيامة‬
".‫ وال فخر‬،‫ وأنا أول من تنشق عنه األرض‬.‫إال تحت لوائي‬
"Anaa Sayyiidu waladi Aadama Yawma Al Qiyaamati, wa laa fakhra. Wa bi yadii li'waa'u
Al Xamdi, wa laa fakhra. Wa maa min Nabiyyin yawma'ithin -Aadamu fa man siwaahu
-illaa taxta liwaa'ii. Wa anaa awwalu man tanshaqqu canhu al ardu, wa laa fakhra."
Xadiithku waa midka saddex kun iyo lix boqol iyo sideed iyo toban, Baabka saddexaad, waana
Xadiith Xasan ah\‫حديث حسن‬, oo macnihiisu yahay:
"Anigaa ah hoggaamiyaha intuu Aadan dhalay Maalinta Qiyaame. Faanna ma aha. Gacanteydana
waxaa ku jira (maalintaas) calanka Xamdiga. Faanna ma aha. Mana jiro maalintaas Nabi –Aadan
‫ دم‬iyo inta ka dambeyseyba oo kale - ee illaa calankeyga hoostiisa ayay ku sugan yihiin. Anigu
waxaan ahay midka ugu horreeya oo uu arligu ka kala dillaacayo (oo qabriga kasoo baxaya).
Faanna igama ah".
Xaashiyada (waana kitaabka kale oo hareerihiisa ku dhigan) kitaabka Qaalli\‫ القاضي عياض‬Ciyaad
ee Al Shifaa'\‫الشفاء‬, magaceeduna yahay Maziilu al Khafaa'i can Alfaathi Al Shifaa'i ‫مزيل الخفاء عن‬
‫ألفاظ الشفاء‬, oo uu erayadeeda ku fasirayo, uuna dhigay Al Callaamah Axmad bin Muxammad bin
Muxammad Al Shumunnii\‫العالمة أحمد بن محمد بن محمد الشموني‬, oo dhintay sanadka Hijriga ee
sideed boqol iyo labo iyo toddobaatan, waxay ku fasirtay erayga wa laa fakhra oo macneheedu
yahay faanna igama aha, sidatan:
"Waxaan sidaas u iri anigoo fulinaya amarka Ilaahay ee ku faanid igama. aha."
Al Nawawii\‫ النووي‬markuu Xadiithkaan sharxayey wuxuu yiri:
"Dhihidda Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: "anigaa ah hoggaamiyaha intuu Aadan \‫آدم‬
dhalay" waa ka warramid uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka warramayo nicmada uu
Ilaahay siiyey, uuna Ilaahay ku amray inuu ka warramo (siduuba, Aayadda kow iyo tobnaad ee
Suuratu Al Duxaa‫ سورة الضح\ى‬ugu amray:
263
)22( ‫ث‬
َّ ‫َوأ‬
ْ ‫ِّك فَ َح ِّد‬
َ ‫َما بِنِ ْع َم ِة َرب‬
"Wa ammaa bi nacmati Rabbiga fa xaddith(11)",
oo macneheedu yahay:
"Nicmada Rabbigaana ka warran(11)".), annagana naseexo ayay noo tahay, uu na ogeysiinayo
xaqqa annaga uu nagu leeyahay.
Qaalli Ciyaad\‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
"Waxaa la yiri Al Sayyidu\‫( السيد‬hoggaamiyaha) waa midka dadkiisa ka kormara oo ka korreeya,
ayna usoo ordaan markay ayaga dhibaato ka hortimaaddo. Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waa Sayyidkooda adduunka iyo Aakhiraba, wuxuuse, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, sayyidnimada Aakhirada ugu gooni yeelay sarreynta. iyo kor ahaanshaha
hoggaamiyennimada maalintaas dhexdeeda iyo ayadoo sayyidnimoo idil isaga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, la isugu wada geeyey, oo la wada siiyey, ayadoo ay Aadan iyo intuu
dhalayba ay maalintaas calankiisa hoos joogaan, siduu Ilaahay Tacaalaa u yiri oo kale:
ِ ‫ك اْليوم لِلَّ ِه اْلو‬
ِ
)21( ‫احِد اْلقَهَّ ِار‬
َ ْ َ ُ ‫ل َم ِن اْل ُمْل‬
َ
"Li mani Al Mulku al yawma: Lillaahi Al Waaxidi Al Ghahhari(16)".
Waana Aayadda lix iyo tobanaad ee Suuratu Ghaafir\‫سورة غافر‬, oo macneheedu yahay:
ِ ‫ اْلو‬ah oo Al Qahhaarka ah
"Yaa xukunka iska leh maanta? Waxaa iska leh Ilaaha Waaxidkaِِ ‫احد‬
‫اْلقَهَّ ِار‬
َ
oo ah inay maalintaas go'day sheegashada dadka qaarkiis ay boqornimo iyo lahaansho
sheeganayeen. Wallaahu aclamu." Intaasuu warka Al Nawawii\‫ النووي‬ku egyahay.
Al Maqaamu Al Maxmuudu\‫المقام المحمود‬
Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
\‫ اإلسراء‬ku yiri:
‫ هللا‬wuxuu Aayadda sagaal iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Israa'i ‫سورة‬
)31( ‫ودا‬
َ ‫َن َي ْب َعثَ َك َرب‬
َ َ‫َّد بِ ِه َن ِافلَةا ل‬
ْ ‫َو ِم َن اللَّْي ِل فَتَهَج‬
‫اما َم ْح ُم ا‬
ْ ‫ك َع َسى أ‬
‫ُّك َمقَ ا‬
"Casaa an yabcathaka Rabbuka maqaaman maxmuudan(79)",
oo macneheedu yahay:
”Waxay u dhowdahay inuu Rabbigaa kuu soo bixiyo Maqaam la mahdiyo (shafeecada)(79)".
Wuxuu Muslim\‫ مسلم‬wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫"أللهم رب هذه الد عوة التامة والصالة القائمة آت محمدا الوسيلة والفضيلة وابعثه مقاما محمودا الذي‬
".‫وعدته‬
264
"Allaahumma Rabba haathihi al ddacwati al ttaammati wa al ssalaati al qaa'imati: aati
(sayyidinaa) Muxammadan al wasiilata wa al fadiilata wa abcath-hu maqaaman
maxmuudan allathii wacadtahu. "
Waana Xadiithka lix boqol iyo afar iyo toban ee Muslim\‫مسلم‬, macnihiisuna uu yahay:
"Ilaahayow, Rabbiga u yeeriddaan taamka ah iyo salaaddaan gashay oo loo istaagay, sii
hoggaamiyeheenna Muxammad Al Wasiilata (oo ah bar mid keli ah ah, oo Jannada dhexdeeda
ku taalla oo qof keli ah oo addoommada Ilaahay ka mid ab la siinayo:Al Zarqaanii/ ‫الزرقاني‬
wuxuu sharixiisa kitaabka AlMawaahibu\‫ المواهب‬ku yiri: "Waa barta ugu sarreysa ee Jannada
Firdawsah") sii iyo Al Fadiilata (oo ah darajo dheeri ah oo uu uga korreeyo khalqiga intiisa kale,
kuna soo dir Maalinta Qiyaame Maqaaman Maxmuudan\‫مقاما محمودا‬, (oo ah meel lagu sugnaado
oo la xamdiyo: ahna shafaacada uu ummaddiisa u qaadayo, oo markaas kaddib ay kuwii hore iyo
kuwa dambeba ay isaga ku xamdinayaan)".
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu Xadiithkiisa saddex boqol iyo afar iyo sideetan Cabdu Allaahi bin Camr bin
Al Caas\‫ عبد هللا بن عمرو بن العاص‬uga wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فإنه من صلى علي صالة صلى هللا عليه بها‬،‫ ثم صلوا علي‬،‫"إذا سمعتم المؤذن فقولوا مثل ما يقول‬
.‫ وأرجو أن أكون أنا هو‬،‫ ثم سلوا لي الوسيلة فإنها منزلة في الجنة ال تنبغي إال لعبد من عباد هللا‬.‫عشرا‬
".‫فمن سأل لي الوسيلة حلت له الشفاعة‬
"Ithaa samictum al mu'ath-thina fa quuluu mithla maa yaquulu, thumma salluu calayya,
fa innahu man sallaa calayya salaatan sallaa Allaahu calayhi bihaa cashran. Thumma
saluu Allaaha lii al wasiilata fa innahaa manzilatun fii Al jannati laa tanbaghii illaa li
cabdin min cibaadi Allaahi, wa arjuu an akuuna anaa huwa. Fa man sa'ala lii al wasiilata
xallat lahu al sh-shafaacatu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaan maqashaan midka Salaadda uu aathaamay waxaad tiraahdaan wax la mid ah wuxuu
leeyahay. Kaddibna igu salliya, oo qofka igu salliya hal salli wuxuu Ilaahay ugu abaal gudda oo
uu isagana ku salliyaa toban salli. Kaddibna ii waydiiya Ilaahay inuu i siiyo Al Wasiilata\‫الوسيلة‬,
taasoo ah degmo Jannada dhexdeeda ah oo aan u ahaanayn addoon keli ah oo addoommada
Ilaahay ka mid ah mooyee, oo aan rajeynayo inaan isagaas noqdo. Oo qofka ii waydiiya al
wasiilata waxaa u xalaaloobeysa shafeecadeyda (waa Maalinta Qiyamee)".
Qofkuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u shafeeco qaadayana, islaannimuu
ku dhimanayaa, Jannada ayuuna gelayaa. Allaha naga wada mid dhigee.
Caalamka Islaamka
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu dhashay dalalka muslinka ah
waa ciid Qaran, oo xafiisyada Dawladdu way xiran yihiin, ganacsiga iyo dukaammaduna way
xiran yihiin. Muslimiintu waxay isugu yimaadaan Masjidyada iyo guryohooda, waana la Alle
baryaa, Quraan ayaa la akhriyaa, Siirada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa la
akhriyaa, waana lagu salliyaa, sadaqooyin badan ayaa lala baxaa, oo xoolo ayaa la qalaa,
cunnana la kariyaa oo dadka la siiyaa. Muqdisho waxaa la isugu yimaadaa meesha la yiraahdo
Maxfalka ee ku taalla Degmada Shibbis. Halkaas ayaa waxaa yimaada madaxda Dawladda iyo
265
culummada Diinta, oo khudbado ayaa la isku dhaafsadaa, lagu xusayo waynaanta maalintaas iyo
qiimeheeda sare ee Xuska Mawlidk. Meelahaas la isugu yimaadana waa majlalis khayr iyo cilmi,
laguna muujinayo jacaylka loo qabo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Magacdiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬iyo kuwo kaleba waxay wariyeen magacda Nabi Muxamadd,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
(Kow) Muxammad\‫محمد‬,
(Labo) Axmad\‫أحمد‬,
(Saddex) Al Maaxii\‫ الماحي‬oo ah midkuu Ilaahay gaalnimada ku tirtiray,
(Afar) Al Xaashir\‫الحاشر‬: oo ah midka ay ciribtiisa iyo raadkiisa dadka. lagu kulminayo
maalinta qiyaame, isagoo dadkoo idil ka horreeya, ayaguna ay daba socdaan,
(Shan) Al Caaqibu\‫العاقب‬, oo ah midka Nabiyada ugu dambeeya, oo uusan Nabi kale ka.
dambeyn, (Lix) Al Khaatimu,
(Toddoba) Al Muqaffii\‫المقفي‬, oo ah midka raacsan Anbiyadii hore oo ugu dambeeya,
(Sideed) Nabiyyu Al Rraxmati\‫نبي الرحمة‬, oo ah Nabiga Naxariista.
Magacdiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo koofaarihiisa Quraanka Kariimka ah ku
suganna way tiro badan yihiin: rag baa tiriyay, markaasey qaarkood waxay yiraahdeen waa
sagaal iyo sagaashan, oo waafaqsan Magacda Ilaahay ee Suusuuban\‫أسماء هللا الحسنى‬, ee
Xadiithku ku soo arooray.
Al Qaalli Ciyaad\‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
"Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu gooni u siiyey qiyaas soddon ka mid ah Magacdiisa
SuuSuuban‫أسماء هللا الحسنى‬."
Ibnu Daxyah\‫ إبن دحية‬wuxuu kitaabkiisa Al Mustawfaa\‫ المستوفى‬ku yiri:
"Haddii la baaro oo la tiriyo magacdiisa ku xusan Kutubbadii hore iyo Quraanka iyo Xadiithka
waxay gaarayaan saddex boqol".
Qaalli Abuu Bakar bin Al Carabii\‫ القاضي أبو بكر بن العربي‬iyo Al Tarmathiiba\‫ الترمذي‬waxay waxay
xuseen inay suufiyada qaarkood yiraahdeen:
"Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu leeyahay kun Magac, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, kun magac."
Qofkiii magacdaas doonaya ha ka raadsado kutubbada Al Mahaawibu\‫ المواهب‬ee Al Qasdhalaanii
‫القسطالني‬, Ibnu Al Carabi\‫ إبن العربي‬iyo kuwo kaleba
Booqashada Aaminah\‫ آمنة‬ee qabriga Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
Markuu wiilkeedu, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lix sano iyo laba bilood
jirsaday, waxay Aaminah\‫ آمنة‬go'aansatay inay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬u
safarto, si ay qabriga ninkeedii Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬usoo booqato, wiilkeeduna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, uu qabriga aabihiis usoo arko.
266
Intayan safrin wiilkeeda waxay uga warrantay taariikhda nolosha aabihiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo natharka awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬oo ahaa inuu
wiilashiisa midkood ilaahiisa u gawrici doono hadday toban wiil gaaraan, iyo sida loogu qori
tuuray, qoriguna uu Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬ugu soo baxay, kaasoo kaddibna boqol halaad oo geel
ah lagu furtay, iyo Safarka uu Shaam\‫ الشام‬u raacay, kaddibna uu Al Madiinah Al
Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ugu dhintay oo laguna duugay.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
/‫ المطلب‬wuxuu aad ugu dadaali jiray xiriirinta reer abtigiis reer Banii Al Najjaar/‫بني النجار‬, oo
sidaasuu xiriirka reer Banii Haashim‫ بني هاشم‬iyo reer Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬u adkaa oo u
xoog badnaa.
Markaasey Aaminah|‫ آمنة‬u timid Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬ayadoo ka ithan
qaadaneysa inay wiilkeeda, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula safarto oo
ay qabriga aabihiis usoo tusto.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬codsigeedaas waa ka yeelay, wuxuuna kula dardaarmay inay
ku degaan guriga Al Naabighah/‫النابغة‬, oo reerkaas Banii Cadiyyi bin Al Najjaar/‫بني عدي بن النجار‬
madax u ahaa, kuna farxi doono inuu gurigiisa wiilkii Cabdu Allaahi ku marti geliyo.
Markaas waxaa laga joogaa lix sano iyo laba bilood markuu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬Safarka
Quraysheed ee Shaam\‫ الشام‬raacay.
Aaminah/‫ أمنة‬waxay diyaarsatay laba rati, mid ay fuulaan ayada iyo wiilkeeda, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo mid ay raacdo gabadha u adeegeysa Ummu Ayman Barakah/‫أم إيمن بركة‬.
Waxay Aaminah/‫ آمنة‬aad u daneysay adkaanta iyo suubanaanta hawdajka ratigeeda la saarayo,
kaasoo laamaha geedaha ka sameysnaa, si uu wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
qorraxda iyo dabaylaha uga celiyo. Hawdaj/‫ هودج‬waa aqal yar oo ratiga dhabarkiisa lagu kor
dhiso, oo haweenka iyo caruurta lagu qaado.
Aminah‫ آمنة‬yididiiladeeda aan dhaboobin iyo dhimashada aabeheed Wahb bin Cabdu
Manaaf\ ‫\ وهب بن عبد مناف‬
Lixdaas sano oo ninkeedu mootan yahay waxaa isaguna dhexdooda dhintay Aaminah\‫آمنة‬
aabeheed Wahab bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah/‫وهب بن عبد مناف بن زهرة‬.
Yididiillada Aaminah/‫ آمنة‬waxay ahayd inay Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬toban wiil u dhasho, mase
ayan ahaanoo cunug aan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uma ayan dhalin,
waxayna rajeyneysey inuu isagu toban ka fiicnaado, ayna rumoobaan wixii haatifku u sheegay
habeenkay uurkiisa qaaday iyo habeenkey dhashayba, oo ahaa:
"Wuxuu noqon doonaa Sayyidka ummaddaan hoggaamiya."
Markay diyaar noqotay, intayan dhaqaaqin ka hor, Aaminah/‫ أمنة‬iyo wiilkeeda, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo Ummu Ayman Barakah/‫أم أيمن بركة‬, waxay tageen Kacbada oo ay
267
toddoba goor ku dhawaafeen. Markay dhawaafkooda dhammaysteen ayay waxay u kaceen xagga
awrtooda.
Aaminah\‫ آمنة‬iyo Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
Markaasaa waxaa u yimid Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬, oo indha beelay oo la
hoggaaminayo, doonayana inuu Aaminah/‫ آمنة‬iyo wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
sagootiyo.
Sidoo kale waxaa ayaguna u yimid inay sagootiyaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, adeerradiis. Markaas kaddib ayay dhaqaaqeen oo ay dariiqa Badda Cas qaadeen.
Halkaas badda xeebteeda ah ayay waxay ku arkeen sanamka la oran jiray Manaata/‫مناة‬, oo ay
Quraysh/‫قريش‬, Aws/‫أوس‬, Khazraj/‫خزرج‬, Huthayl/‫هذيل‬, Khuzaacah/‫خزاعة‬, Azdu Shanuu'ah ‫أزد‬
/‫شنوئة‬, Ghassaan/‫ غسان‬iyo Carab kaleba ay caabudi jireen.
Sanamkaasu wuxuu ku yiillay meesha la yiraahdo Qudayd/‫قديد‬, oo Makkah\‫ مكة‬iyo Al Madiinah
\‫ المدينة‬u dhexeysa, kuna taalla xeebta Badda Cas. Sanamkaasi waaba isaga ku xusan Aayadda
labaatanaad ee Surrau Al Najmi/‫سورة النجم‬, uuna Cazza wa Jalla ku yiri:
)30( ‫ُخ َرى‬
ْ ‫َو َم َناةَ الثَّالِثَةَ ْاَل‬
"Wa Manaata Al Thaalithatal ukhraa(20)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Iyo Manaatadii saddexaad oo kale(20)."
Aaminah/‫ آمنة‬markay Al Madiinah Al Munawwarah/‫ المدينة المنورة‬timid, waxay ku degatay
guriga Al Naabighah/‫النابغة‬, halkaasoo Aaminah/‫ آمنة‬looga warramay bukaanka, dhimashada iyo
duugidda Cabdu Allaahi/‫عبد هللا‬. Halkaas ayay Aaminah/‫ آمنة‬qabriga Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬ku
aragtay iyo bartuu ninkeedii ku duugan yahay.
Aaminah/‫ آمنة‬bil ayay Al Madiinah\‫ المدينة‬joogtay, bishaasoo uu wiilkeedu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ceelasha magaalada oo afka ballaaran dabaasha si fiican ugu bartay.
Dhimashada Aaminah\‫آمنة‬
Bil Kaddibna way soo gaddoomeen oo ay xagga Makkah\‫ مكة‬usoo noqdeen. Markay meel dhexe
marayaan ayaa waxaa helay dabaylo xoog iyo dhawaaq badan oo dhan walba uga yimid.
Markay dabaylihii joogsadeen, ayaa safarkii istaagay, si ay u nastaan, wixii ka dabcayna ay u
adkeeyaan. Markaasey Ummu Ayman Barakah/‫ أم إيمن بركة‬soo orodday, oo ay ratigay
Aaminah/‫ آمنة‬saarnayd u timid, si ay xaaladdooda u hubsato, waxayna aragtay inay
Aaminah/‫ آمنة‬xanuunsantahay. Ummu Ayman/‫ أم أيمن‬waxay marka hore ratiga kasoo dejisay
wiilka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay dhulka soo dhigtay, kaddibna Aaminah /‫آمنة‬
ayay inta soo qaaday ayadana dhulka soo dhigtay. Markaas ayay Aaminah halkaas ku dhimatay.
268
Gabaygay Aaminah\‫ آمنة‬ugu ducaysay wiilkeeda Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam markay dhimanaysay
Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬wuxuu Al Zuhriyyi ibnu Shihaab/‫ الزهري إبن شهاب‬ka wariyay inay Asmaa'
bintu Ruhm/‫أسماء بنت رهم‬, taasoo uu Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬kutubbadiisa ku dhigay isagoo kasoo
guuriyay Kitaabka Abuu Nucaym inuu magaceedu yahay Ummu Samaacah binti Abii Ruhm ‫أم‬
‫سماعة بنت رهم‬, magaceeduna yahay Asmaa', koofaarteeduna Ummu Samaacah, taasoo hooyadeed
ka warisay oo tiri:
"Aaminah/‫آمنة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis, markuu hayey bukaankay
u dhimatay, ayadoo uu markaasna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kuray
joog leh oo shan sano jira (ama intaas oo kale, sida lix oo kale, siday kutubbada kale wariyeen),
madexeeda agtiisana ku suganyahay, ayay wajigiisa dhugatay, kaddibna ay gabaygaan tiri:
‫ يابن الذي من حومة الحمام‬// ‫بارك فيك هللا من غالم‬.1
‫ فودي غدات الضرب باألسهام‬// ‫نجا بعون الملك العالم‬2.
‫ إن صح ما أبصرت في المنام‬// ‫بمأة من إبل سوام‬3.
‫ تبعث في الحل وفي الحرام‬// ‫فأنت مبعوث إلى األنام‬4.
‫ دين أبيك إبراهيم‬// ‫تبعث في التحقيق و األسالم‬5.
‫ أن ال توليها مع األقوام‬// ‫فاهلل أنهاك عن األصنام‬6.
1. Baaraka fiika Allaahu min ghulaamin
Yaa ibna allathii min xawmati al ximaami
2. Najaa bi cawni Al Maliki Al Callaami
Fuudiya ghadaata al darbi bi al sihaami
3. Bi mi'atin min ibilin sawaamin
In saxxa maa absartu fii al manaami
4. Fa anta mabcuuthun ilaa al anaami
Tubcathu fii al Xilli wa fii al Xaraami
5. Tubcathu fii al taxqiiqi wa al Islaami
Diina abiika al barri Ibraahama
6. Fa Allaahu anhaaka cani al asnaami
An laa tuwaaliihaa maca al aqwaami
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Allaha ku barakeeyo wiilow/
Wiilka uu dhalay midka geerida sababayow (xawmah waa dagaalku markuu kululaado
meeshiisa ugu adag, al ximaami-na waa geerida ama qadaheeda iyo qadarkeeda).
2. Wuxuu ku badbaaday gargaarka Boqorka wax walba ogsoon/
Oo madaxiisa lagu furtay subaxa fallaaraha loogu qori tuuray (oo daraba waa ku
dhufashada iyo tuuridda fallaaraha lagu qori tuurayo, waana markuu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo sagaalka wiil oo la dhashay Kacbada dhexdeeda ugu
qori tuurayey, kooda uu gawrici lahaa si uu natharkiisii u oofiyo).
3. Boqol halaad oo geel ah oo dheerdheer/
Hadduu sax (run) yahay waxaan hurdada ku arkay (riyooday).
269
4. Oo adigu waxaad tahay mid loo dirayo Jinniga iyo Insigaba/
Waxaana laguu dirayaa caddaynta xalaasha iyo caddaynta xaaraanta
(ama waxaa laguu diray arliga xaaraanta ah waana Makkah\‫مكة‬, iyo arliga xalaasha ahba, taasoo
macneheedu yahay waxaa laguu diray adduunka oo idil, oo Bicthadaadu\‫ البعثة‬kuma koobna hal
beled, sida Rusushii hore ay ahaan jireen, ee waxay ku saabsantahay arliga kulligiis).
5. Waxaa laguu dirayaa caddaynta xaqqa oo aad baadhilka ka soocdid ito caddaynta
Islaamka/Iyo inuu yahay Diinta aabahaagii suubanaa oo baarriga ahaa (Nabi) Ibraahiim\‫إبراهيم‬.
6. Oo wa Allaahi\‫ وهللا‬Ilaahay ayaa kaa fogeeyey oo kaa reebay caabudidda asnaamta, inaadan u
gargaarin, oo aadan wayneyn oo aadan xoolo u qalin, aadanna ka faashan/Siday qawmku, rag iyo
haweenba, yeeleen.
Intaas kaddibna waxay tiri:
."‫وولدت طهرا‬،‫ وقد تركت خيرا‬،‫ وذكري باق‬،‫وأنا ميتة‬،‫ وكل كبير يفني‬،‫ وكل جديد بال‬،‫"كل حي ميت‬
"Kullu xayyin mayyitun, wa kullu jadiidin baalin, wa kullu kabiirin yafnii, wa anaa
maytatun, wa thikrii baaqin, wa qad taraktu khayran, wa waladtu dhuhran" (oo ah
dhaahiran)",
oo macneheedu yahay:
"Kulli mid nool waa dhimanayaa, kulli mid cusubna waa baaliyoobayaa oo duugoobayaa, kulli
mid waynba waa dhammaanayaa, siday wax walba u dhammaanayaan, aniguna waxaan ahay
mayd (oo waa dhimanayaa), xusiddeyda iyo warkeyguse waa harayaa oo raagayaa, waxaanna ka
tegey khayr wayn (oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah sababta uu
magaceeda iyo warkeedu u waarayo),waxaanna dhalay wiil daahir ah".
Aaminah/‫ آمنة‬tawxiidka ayaa ku taagnayd
Waxaa hadalkeedaas ka cad inay Ilaahay Keligiis caabudi jirtay, ayado xustay Diinta Ibraahiim
\‫ إبراهيم‬iyo soo diridda iyo Bicthada/‫ البعثة‬wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayi Wasallam, oo Diinta
Islaamka lagu soo diri doono, oo xagga Ilaahay laga soo diri doono, iyo inuu Ilaahay caabudidda
iyo waynaynta asnaamta ka reebay wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu ka tegay.
Hadaba, Tawxiidku ma waxaan intaas ahaynbaa?, ahna aqoonsiga Ilaahay iyo Ilaahnimadiisa iyo
inuusan shariik Ilaahnimada la wadaaga uusan lahayn, iyo barii'nimo laga dambi la'yahay
caabudidda asnaamta iyo waxa la midka ah? Dadka Islaamka hortiis jaahiliyada ku noolaa, oo
zamanka Islaamka ka horreeyey waxaa la yiraahdaa Al Jaahiliyyah/‫الجاهلية‬, oo macneheedu
yahay aqoon darro, laga aqoon daran yahay oo Ilaahay iyo Diintiisa Islaamka la moogyahay,
dadkaasi dhammaantood gaalo ma wada ahayn, oo koox ayaa gaalnimada iyo caabudidda
snaamta ka hartay.
Marka ma ayan aha wax cusub oo la abuurayo oo la hindisayo inay hooyadiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ay kooxdaas ka mid tahay. Kooxdaas muwaaxidiinta ah waxaa la oran jiray
Al Axnaafu/‫األحناف‬, oo macneheedu yahay "kuwa xumaanta ka iishay oo xaqqa u iishay."
Kooxdaasi sababta ay gaalnimada ku diidday, oo ay uga iisheen una diideen inay asnaamta
dadkooda la caabudaan, waxay ahayd ayagoo ka maqlay ehelu kitaabka krishtaanka iyo
270
yuhuudda ah iyo kuhaantooda faaliyaba "inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
zamankiisu soo dhowaaday, Nabigaasna laga soo diri doono Xaramka Makkah, sifooyinkiisuna
ay sidaas iyo sidaas yihiin."
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiisna waxay warkaas maqashay in
ka badan intay dadka kale maqleen, markay uurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
lahaydna iyo markay dhaleysey iyo markay dhashayba waxay aragtay aayado cadcad oo qofka
ku qaadaya, oo lagama maarmaan ka dhigaya ku xambaariddiisa taxannufka/‫التحنف‬, oo ah, sidaan
usoo aragnay, gaalnimada oo laga iisho oo laga leexdo, xaqqa iyo runta iyo tawxiidkana loo
iisho.
Hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay aragtay nuur ayada kasoo baxay, oo u
iftiimiyay oo ay ku aragtay guryaha Shaam\‫ الشام‬iyo Siiriya\‫ سورية‬ku yaalla ayadoo Makkah Al
Mukarramah‫ مكة المكرمة‬ku sugan, siday u arkeen hooyooyinka Nabiyada kaleba.
Hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waaba ayada Xaliimah bintu Abii Thu'ayb ‫حليمة بنت‬
‫ ذؤيب‬markay u timid, oo ay willkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo celisay kaddib
markay Malaa'igtu laabtiisa dhanbashay, ayadoo u cabsatay inay Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam wax u dhinmaan, ku tiri:
".‫ وإنه لكائن إلبني هذا شان‬،‫ وهللا ما للشيطان عليه سبيل‬،‫"أخشيتما عليه الشيطان؟ كال‬
"Akhashaytumaa calayhi al shaydhaana? Kallaa, wa Allaahi maa lil shaydhaani calayhi
sabiilun, wa innahu la kaa'inun li ibnii haathaa sha'nun",
oo macnohoodu yahay:
"Ma shaydhaan ayaad uga baqdeen? Sidaas ma aha, oo wa Allaahi \‫ وهللا‬inuusan shaydhaan
(wiilkeyga) awood ku lahayn, wiilkeygaanna wuxuu yeelanayaa mustaqbal iyo dan wayn oo
cathiim ah".
Waxayna intaas ku dartay erayo kale oo ay kuwaani ka mid yihiin, ujeedadooduna ay isla
middaas tahay. Oofsashadeeda ka horna, sanadkaas la oofsanayo, waaba ayada, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, geysey, ayna maqashay waxay
yuhuudda halkaas degani ay wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiraahdeen, ayna
uga marag kaceen inuu Nabi yahay.
Kaddibna markay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬ula soo noqotay ayaa dariiqa
lagu oofsaday.
Intaasoo idil waxay xoojinayaan inay Aaminah/‫ آمنة‬intay nooleyd ay xaniifiyad/‫ حنفية‬ahayd,
siduu uga wariyay Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬kitaabkiisa Al Fawaa'id/‫ الفوائد‬iyo kitaabkiisa kaloo la
yiraahdo Al Tacthiimu wa Al Munnah/‫التعظيم والمنة‬.
Jinniga dhimashada Aaminah\‫ آمنة‬u baroortay
Asmaa' bintu Ruhm\‫ أسماء بنت رهم‬hooyadeed oo hadalkeeda sii wadata, ahna Xadiithka uu Abuu
Nucaym\‫ أبونعيم‬wariyay, waxay tiri:
271
"Waxaan marka Aaminah‫ آمنة‬la oofsaday kaddib maqli jirnay dhawaaqa iyo qaylada jinniga u
barooranaya, kuwaasoo aan hadalkooda korka ka qabannay, waxayna lahaayeen:
.‫ ذات الجمال العفة الرزينة‬/‫نبكي الفتاة البرة األمينة‬
.‫أم نبي هللا ذي السكينة‬/‫زوجة عبد هللا والقرينة‬
.‫صارت لدي حفرتها رهينة‬/‫وصاحب المنبر بالمدينة‬
.‫وللمنايا شفرة سنينه‬/‫لو فوديت لفوديت ثمنينة‬
.‫إال أتت وقطعت وتينه‬/‫التبق ظعانا والظعينة‬
.‫عن الذي ذو العرش يعلى دينه‬/‫أما حللت أيها الحزينة‬
.‫ تبكيك للعطلة أو للزينة‬/‫فكلنا والهة حزينة‬
.‫وللمسكينة‬/‫وللضعيفات‬
1. Nabkii al fataata al barrata Al Amiinata
Thaata al jamaali al ciffata al raziinata
2. Zawjata Cabdu Allaahu wa al qariinatu
Ummu Nabiyyi Allaahi Thii Al Sakiinati
3. Wa saaxiba al Minbari bi Al Madiinati
Saarat laday xufratihaa rahiinatan
4. Law fuudiyat la fuudiyat thamiinatan
Wa li al manaayaa shafratun saniinatan
5. Laa tabqaa thacaanan wa laa thaciinatan
Illaa atat wa qadhacat watiinahu
6. Amaa xalalta ayyuhaa al xaziinatu
Can allathii Thuu Al Carshi yaclaa Diinahu
7. Fa kullunaa waalihatun xaziinatun
Tabkiika lil cadhlati aw lil zaynati
8. Wa lil daciifaati wa lil Miskiinah.
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
1. Waxaan u booyeynaa gabadha baarriyadda ah oo suuban, oo ayadoo da' yar dhimatay, oo
jirtay qiyaas labaatan sano (siduu Al Suhaylii \‫ السهيلي‬u wariyay), oo midda la aaamino ah (oo
aabeheed iyo hooyadeedba ay Quraysh\‫ قريش‬yihiin), oo qurxoon, oo dhawrsan, haybadana leh.
2. Ahna haweneyda Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo lammaantiisaba. Hooyada Nabiga Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam,, oo ah mid sugnaashaha u saaxiibka ah iyo xasilloonida.
3. (Nabigaasoo) Ahna midka iska leh Minbarka\‫ المنبر‬Al Madiinah\‫المدينة‬, (waana manbarkiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Masjidkiisa Al Madiinah Al Munawwarah \‫ المدينة المنورة‬uu
Hijrada dabadeed ku yeelan doono iyo kaddibna manbar walba oo masjid kasta yaalla oo
korkiisa laga khudbeeyo). Waxaana la geliyay qabirigeeda, halkaasoo ay ku sugnaatay.
4. Haddii madexeeda la furan lahaa, qiimo wayn ayaa lagu furan lahaa, geeriduna waxay
leedahay mindi af badan oo dhakhso wax u goysah.
5. Ragga iyo haweenkuba ma ahaanayaan ee waa illaa waa kuwa geeridu inta u timaadda
watiinka ka goysah, oo ah labada hal bawle oo dhuunta la xiriira oo dhiigga badan sida oo la
gooyo xoolaha marka la gawracayo.
272
6. Ma waxaad u noqotay oo aad u martiday mid yahay tiiraanyeysani
Midka Carshiga u saaxiibka ah oo Diintiisu kor ahaaneyso
7. Kulligeen caqligii baa geerideeda nooga tegey oo waan wareersannahay, waana
tiiraanyeysannahay, waxaanna kuugu booyeynnaa tegidda aad naga tagatay oo aan ku weynney
iyo geerida lagu oofsaday
8. Iyo haweenka taagta daran iyo miskiinnadda.
Duugidda Aaminah\‫ آمنة‬iyo qabrigeeda
Markay Aaminah‫ آمنة‬dhimatay raggii safarka waday way tashadeen, waxayna ku tashadeen inay
Aaminah/‫ آمنة‬rati ku qaadaan oo ay tuulada la yiraahdo Al Abwaa'/‫ األبواء‬ku duugaan.
Markaasey Aaminah‫ آمنة‬maro ku duubeen oo ay hawdajka kusoo qaadeen. Ummu Ayman
Barakah‫ أم أيمن بركة‬waxay qaaday wiilkii, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markay Al
Abwaa'‫ األبواء‬yimaadeen, ayay halkaas Aaminah/‫ آمنة‬ku duugeen, meeshaasoo uu ilaa maanta
qabrigeedu ku yaallo oo macruuf uu yahay.
Sidaas ayaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis Cabdu Allaahi bin
Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬iyo hooyadiis Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬
waxay labadooduba ku dhinteen arli ay qariib ku yihiin, siday hore awooweyaalkiis dalal
shisheeye ugu dhinteen, oo uu Haashim/‫ هاشم‬dal shisheeye ugu dhintay, oo ah Ghazzah/‫غزة‬,
Cabdu Al Mudhalib adeerkiisna Al Mudh-dhalibna/‫ المطلب‬uu dal shisheeye, oo ah Yaman/‫يمن‬,
ku dhintay, Cabdu Al Mudh-dhalib adeerkiis Nawfalna/‫ نوفل‬uu isagoo qariib ah arliga
Ciraaq‫ عراق‬ugu dhintay. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬kusoo celisay Ummu Ayman Barakah\‫ أم أيمن بركة‬iyo raggii safarka
waday.
Imaam Al Thahabii/‫ األمام الذهبي‬wuxuu kitaabkiisa Siyaru Aclaamu Al Nubalaa'i/‫سير أعالم النبالء‬,
xaashiyadiisana uu ku qoran yahay kitaabkiisa kale oo la yiraahdo Ixkaamu Al Rijaali Min
Miizaani Al Ictidaali Fii Naqdi Al Rijaali/‫إحكام الرجال من ميزان اإلعتدال في نقد الرجال‬, mujalladka
koowaad ee ah Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bogga saddex iyo
afartanaad wuxuu ku wariyay inay Aaminah/‫آمنة‬, kaddib markuu Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬dhintay,
ay sanad walba qabrigiisa Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬mar kusoo booqan jirtay,
kaddibna ay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬kusoo noqon jirtay.
Sidoo kale Imaam Al Samhuudii/‫ األمام السمهودي‬wuxuu kitaabkiisa Wafaa'ul Wafaa'‫وفاء الوفاء‬,
Juzka afaraad bogga kun boqol sagaal iyo toban ku wariyay inay Aaminah /‫ آمنة‬sanad walba mar
ay qabriga Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬soo booqan jirtay, oo markay markii lixaad u timidna, Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu lix jirsaday, ay markay Makkah \‫ مكة‬usoo
gaddoontay ay dariiqa ku dhimatay.
Qabriga Aaminah‫آمنة‬, sidaan usoo aragnay wuxuu ku yaalla dusha buur ku taalla magaalada Al
Abwaa’/‫ األبواء‬oo Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬tiiba laba boqol iyo soddon kiiloomitir u jirta kuna dhow Dariiqy Al Hijrah/‫ طريق الهجرة‬oo
laba Xaram isku xira.
273
Qabriga Aaminah\‫ آمنة‬Makkah Al Mukarramah‫ مكة المكرمة‬kuma yaallo
Waxaa kaloo la wariyay in hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu oofsaday dhulka
Abuu Th'ib/‫ أبو ذئب‬uu ku leeyahay Al Xajuun/‫الحجون‬.
Al Xajuun\‫ الحجون‬waa xaafad Makkah\‫ مكة‬ka mid ah, ayna ku yaallaan qubuuraha Makkah\‫ مكة‬,
waxaana halkaas ku duugan Ummu Al Mu'miniina Khadiija bintu Khuwaylid ‫أم المؤمنين خديجة‬
‫بنت خويلد‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadana Allaha raalli
ka noqdee.
Waxaa kaloo xabaalahaas ku duugan asxaab badan ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiis iyo xubno kale oo qoyska Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka
mid ah. Abuu Th'ib/‫ أبو ذئب‬wuxuu ahaa nin u dhashay Suraat Banii Caamir/‫سرات بني عامر‬.
Al Qaamuusna/‫ القاموس‬waxaa ku xusan inay ku duugantahay, Allaha raalli ka noqdee, daar
qurxoon oo Makkah\‫ مكة‬ku taalla, ayna dhexdeeda ku duugantahay Aaminah/‫آمنة‬, hooyada
dhashay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Ninka dhigay Kitaabka la yiraahdo Thakhaa'iru Al Cuqbaa/‫( ذخائر العقبى‬waa thaalka deelka ku
xigah) wuxuu yiri:
"Ibnu Mascuud/‫ إبن مسعود‬wuxuu yiri:
"Hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa lagu duugay Makkah\‫"مكة‬.
Dadka reer Makkana‫ مكة‬waxay leeyihiin inuu qabrigeedu ku yaallo xabaalaha reer Makkah‫ مكة‬ee
ku yaalla dhulka loo yaqaanno Shicbu Abii Th'ib/‫شعب أبي ذئب‬, oo ah nin u dhashay Suraata Banii
Camr\‫سرات بني عمرو‬."
Waxaa kaloo la yiri:
"qabrigeedu, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu ku jiraa daar qurux badan oo ku taalla Al
Mucallaat/‫( المعالة‬oo ah magac kale oo ay Al Xajuun/‫ الحجون‬leedahay)". Intaasuu hadalka
kitaabkaasi ku egyahay.
Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬riwaayadiisa, uuna ku wariyay kitaabkiisa Dall'ilu Al Nubuwwati‫دالئل النبوة‬,
wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
‫ ونظر إلى ظهري فأسمعه‬،‫ فقال يا غالم ما إسمك؟ قلت أحمد‬،‫فنظر إلي رجل من اليهود يختلف ينظر إلي‬
‫ فخرجنا من المدينة‬،‫ فأخبروا أمي فخافت علي‬.‫ ثم راح إلى إخوانه فأخبرهم‬.‫يقول هذا نبي هذه أألمة‬
"Fa nathara ilayya rajulun mina al yuhuudi yakhtalifu yanthuru ilayya, fa qaala"
yaaghulaamu maa ismuka?" "Qultu Axmad", wa nathara ilaa thahrii fa asmacuhu
yaquulu: "haathaa Nabiyyu haathihi al ummati". Thumma raaxa ilaa ikhwaanihi fa
akhbarahum. Fa akhbaruu ummii fa khaafat calayya, fa kharajnaa mina Al Madiinah".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
274
"Markaasaa waxaa i fiiriyay nin yuhuudda ka mid ah, oo uu fiirada uu i fiirinayo ku celceliyay.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wiilow magacaa?"
Waxaan iri:
"Axmad\‫أحمد‬."
Markaasuu dhabarkeyga fiiriyay. Kaddibna waxaan maqlay isagoo oranaya:
"Midkaani waa Nabiga Ummaddaan".
Kaddibna wuxuu ku laabtay walaalihiis oo uu u sheegay.
Markaasaa hooyaday loo sheegay. Markaasey intay ii baqday ayaan Al Madiinah \‫ المدينة‬ka
dhoofnay".
Ragga yuhuudda ah oo uu ninkaas ayaga ka mid ahi hadalkaas u jeediyayna way u qireen oo ay
sugeen inuu sidaas yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabiga ummaddaan, oo kuma ayan
inkirin, kuma ayan diidin.
Markaasey hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay tuulada Al Abwaa' \‫ األبواء‬la
yiraahdola marayso, ayaa halkaas geeridii ugu timid oo lagu oofsaday.
Labadaas Xadiith oo uu midkood oranayo inay hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
duugantahay Al Abwaa'/‫األبواء‬, midka kalena inay ku aasantahay Al Xajuun/‫ الحجون‬ee Makkah
\‫ مكة‬dhexdeeda ah, waxaa mideeyey Al Imaam Al Shaykh Xusayn bin Muxammad bin Al Xasan
Al Diyaarbakrii/‫اإلمام الشيخ حسين بن محمد بن الحسن الدياربكري‬, loona nisbeeyey Diyaaru Bakar ‫الديار‬
\‫( بكري‬oo ah degmo ka tirsan dalka turkiga) , ahaana Qaalliga Makkah\‫مكة‬, ayadana ku dhintay
sanadka sagaal boqol iyo lixdan iyo lix ee Hijrada, kutuubadiisana ay ka mid yihiin midkaan aan
hadda xusaynno oo magaciisu yahay Taariikhu Al Khamiis/‫تاريخ الخميس‬, oo siirada Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ah kana kooban laba mujallad oo waaweyn, iyo Taariikhu
Khulafaa'i wa Al Muluuki/‫ تاريخ الخلفاء والملوك‬iyo Masaaxatu Al Kacbah wa Al Masjidi Al
Xaraami‫مساحة الكعبة والمسجد الحرام‬. Imaamkaasi wuxuu Taariikhu Al Khamiisi ku wariyay in
marka hore Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis Al Abwaa'/‫ األبواء‬lagu duugay,
oo uu qabrigeedu halkaas ku yiillay, kaddibna inta laga soo saaray Makkah\‫ مكة‬loo soo qaaday
oo lagu duugay.
Al Balaadii/‫البالدي‬
Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu /‫ عاتق غيث البالدي‬wuxuu kitaabkiisa Mucjamu Macaalimi Al
Xijaaz/‫ مجمع معالم الحجاز‬ku yiri:
“Tuulada Aaminah/‫ آمنة‬lagu duugay waxaa la yiraahdaa Al Abwaa'a/‫األبواء‬, looguna bixiyay
cudur badnideeda oo al wabaa'\‫ األبواء‬waa cudurrada iyo ayadoo ay bartaas ku yaalliin Buur Al
Abwaa'\‫ األبواء‬la yiraahdo, iyo Waadi Al Abwaa'\‫ وادي األبواء‬la yiraahdo, looguna bixiyay ayadoo
ay halkaas isugu yimaadaan biyaha durdurro aaggaas mara, oo baa'a waxaa weeye waa soo
noqday, waa yimid.
Al Abwaa'\‫ األبواء‬waxay u dhexeysaa Makkah Al Mukarramah\‫ مكة امكرمة‬iyo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, waxayna u dhowdahay Al Madiinah\‫ المدينة‬oo shan habeen looga
socdo.
275
Al Abwaa'\‫ األبواء‬waxay Mastuurah/‫ مستورة‬uga jirtaa xagga qorrax kasoo bax sideed iyo labaatan
kiiloomitir. Mastuurah\‫ مستورة‬waxay Makkah\‫ مكة‬u jirtaa laba boqol iyo shan iyo soddon
kiiloomitir, waxayna saaran tahay dariiqa Al Madiinah\‫ المدينة‬loo aado, waxayna kala bartaa
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, oo labada
Xaram waxay isku jiraan afar boqol iyo lixdan kiiloomitir. Mastuurah\‫ مستورة‬waxaa ku yaalla
meelo baansiinka laga gato, Masjid, madariso, saldhig booliis iyo suuqba., kamana foga Badda
Cas, waxaana ka xiga oo keli ah buuraaleyda Tihaamah/‫تهامة‬. Mastuurah\‫ مستورة‬waxay ayaduna
degmada Raabigh/‫ رابغ‬u jirtaa afartan kiiloomitir, xagga waqooyigayna ka xigtaa.” Waa intaas
warkiisu.
Al Abwaa’\‫ األبواء‬waxay maanta ku taalla oo mara dariiqa la yiraahdo Dariiqu Al Hijrah ‫طريق‬
/‫ الهجرة‬oo isku xira Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
‫ المنورةالمدينة المنورة‬oo isku jira afar boqol iyo lixdan kiiloomitir, oo ay uga talla kala barka dariiqa
oo ay midkoodba u jirtaa qiyaas laba boqol iyo soddon kiiloomitir.
Xadiithka Caa’ishah\‫ عائشة‬ee Al Qurdhubi\‫القرطبي‬
Imaam Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬wuxuu kitaabkiisa Al Tathkirah/‫ التذكرة‬ku wariyay oo uu yiri:
"Wuxuu Abuu Bakar Al Khadhiib/‫ أبوبكر الخطيب‬si aan shaki ku jirin oo hubaal ah ugu caddeeyey
kitaabkiisa Al Saabiqi wa Al Laaxiqi/‫السابق والالحق‬, uuna sidoo kale Abuu Xafs Cumar bin
Shaahiin/‫ أبو حفص عمر بن شاهين‬kitaabkiisa Al Naasikhu wa Al Mansuukhu/‫ الناسخ والمنسوخ‬ku
wariyeen Xadiith ay sanadkiisa ayagu leeyihiin, ayna ka wariyeen Caa'ishah /‫عائشة‬, Allaha raalli
ka noqdee, inay tiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ayaa noo waday Xajjatu al Wadaac ‫حجة‬
‫الوداع‬. Markaasuu wuxuu maray qabriga hooyadiis, isagoo ooyaya oo tiiraanyeysan oo kurbaysan.
Markaasaan oohintiisa aniguna la ooyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam. Markaasuu (ratiga
ka) degay oo uu yiri:
".‫" يا حميراء إستمسكي‬
"Yaa Xumayraa'a istamsikii",
oo ah
"Gabaryahay guduudani, oo macneheedu yahay caddaanka badan, is celi."
Markaasaan ratiga dhinaciisa ku tiirsaday. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam,
muddo dheer iga maqnaa, kaddibna uu ii soo noqday isagoo farxaan ah oo ilka cadddeynaya.
Markaasaan ku iri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, aabehay iyo hooyaday ayaan kugu
furanayaaye waxaad degatay oo aad iga tagtay adigoo ooyaya oo tiiraanyeysan oo kurbeysan,
markaasaan oohintaada aniguna la ooyay. Kaddibna waxaad ii soo noqotay adigoo faraxsan oo
ilka caddaynaya, marka maxaa u sabab ah, Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam?"
276
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫ فأحياها فآمنت بي أو قال فآمنت وردها هللا عز وجل‬،‫ فسألت أن يحييها‬.‫"ذهبت لقبر آمنة أمي‬
"Thahabtu li qabri Aaminata ummii. Fa sa'altu an yuxyiihaa, fa axyaahaa fa aamanat bii."
Aw qaala: "Fa aamanat wa raddahaa Allaahu Cazza wa Jalla."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan aaday qabriga hooyaday Aaminah\‫آمنة‬, markaasaan Ilaahay ka baryay oo waydiistay
inuu soo nooleeyo, markaasuu soo nooleeyey ayna i rumaysa."
Ama wuxuu yiri:
"Markaasey rumaysay, kaddibna uu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عزوجل‬dib u celiyay."
Xadiithkaan waxaan kasoo guurinnay Al Rawdu Al Unuf/‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii/‫السهيلي‬,
Juzka koowaad, bogga laba boqol sagaal iyo sagaashan.
Aaminatu bintu Wahab/‫ آمنة بنت وهب‬markuu Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد هللا‬
‫ بن عبد المطلب‬guursaday waxay jirtay qiyaas shan iyo toban sano, toddoba sano kaddibna way
dhimatay. Marka taariikhda nolosheedaas gaabnayd, ma dheera, oo intaas ayay kutubbadu kusoo
koobeen. Sidoo kale Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬isagoo fac
yar ayuu dhintay, oo sidaas ayay taariikhda noloshiisu u koobantahay, kutubbada qaarkoodna
waxayba leeyihiin wuxuuba dhintay isagoo sideed iyo toban sano jira. Runtana Rabbi ayaa og.
Xadiithka Caa’ishah\‫ عائشة‬ee Al Suhaylii\‫السهيلي‬
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu kitaabkiisa Al Rawdu al Unuf/‫ الروض األنف‬kaloo ku wariyay Xadiith uu
yiri dariiq kali ah ayaa lagu wariyay, ayna dhici karto inuu saxiix yahay, wuxuuna yiri: "Waxaan
Xadiithkaas helay isagoo ku dhigan farta awoowahay Abuu Cimraan Axmad bin Abii Al
Xasan/‫أبو عمران أحمد بن أبي الحسن‬, oo qaalli ahaa, Allaha u naxariistee, ayna silsiladda ragga
wariyay ku jiraan rag aan la aqoon, wuxuuna xusay (awoowihiis) inuu Xadiithkaas kasoo
guuriyay kitaabka laga soo nuskheeyey (laga soo dhigay oo isagoo kale ah) kitaabka uu dhigay
Mucawwith/‫( معوذبن داود بن معوذ‬waa thaalka deelka ku xigah) bin Daauud bin Mucawwith, midka
zaahidka ahaa (oo adduunkaanba ka kaaftoomay), uuna yiri, oo uu leeyahay waxaa wariyay oo
uu kor ugu qaadayo (Cabduraxmaan) bin abii Al Zanaad/‫ عبد الرحمن بن أبي زناد‬oo ka wariyay
(Hishaam) bin Curwah/‫ هشام بن عروة‬oo ka wariyay aabihiis, oo ka wariyay Caa'ishah /‫عائشة‬,
Allaha dhammaantood raalli ka noqdee, inay tiri:
".‫ ثم أماتهما‬،‫"إن رسول هللا صلى هللا عليه وسلم سأل ربه أن يحيي أبويه فأحياهما له فآمنا به‬
"Waxaa la ii sheegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waydiistay
Rabbigiis inuu aabihiis iyo hooyadiis usoo nooleeyo, uuna usoo nooleeyey, oo ay markaas
aamineen (rumeeyeen oo ay mu'muniin muslin ah noqdeen), kaddibna uu maydnimadoodii ku
celiyay".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
277
"Ilaahayna wax walba waa awoodaa, oo Qaadir ayuu ku yahay, Raxmadiisa iyo Qudraddiisuna
wax hor istaagi kara ma jiraan, wuxuusan karinna ma jirto, Nabigiisuna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ehel ayuu u yahay, oo waa mudan yahay, inuu ku gooni yeelo oo uu siiyo wixii uu
doono oo deeqdiisa ka mid ah, uuna ugu nicmeeyo wixii uu doono oo karaamdaiisa iyo
deeqsinnimadiisa ka mid ah, Sallaa Allaahu Calayhi wa Aalihi Wasallam."
Al Azraqii/‫األزرقي‬
Al Doktoorah Caa’ishah Cabdu Al Rraxmaan “Bintu Al Shaadh’i “‫عائشة عبد الرحمن "بنت الشاطئ‬/‫د‬
ahna macallimad ka dhigta Al Diraasaati Al Quraaniyah bi Kulliyati Al Shariicah wa Daaru Al
Xadiithi ee Jaamacadda Al Qarawiin ee Maghrib (Morokko) waxay dhigtay kitaab la yiraahdo
“Aaminah Ummu Al Nnabiyyi Calayhissalaatu Wassalaamu ‫آمنة أم النبي عليه الصالة‬
"‫والسالم‬.”(www.al-mostafa.com).
Macallimaddu waxay bogga boqol sideed iyo afartan uga soo guurisay Al Azraqii
“Hind bintu Cutbah/‫ هند بنت عتبة‬marka soo martay Al Abwaa’/‫ األبواء‬ayadoo la socota ciidanka
gaalada oo u socday Al Madiinah ayagoo doonaya aargoosiga ragga Badar looga dilay waxay
wayday waxay Al Musdhafaa/‫ المصطفى‬Calayhissalaatu Wa Al Ssalaamu ku dhibto oo ka wayn
inay qodo qabriga hooyadiis Aaminah/‫آمنة‬. Qurayshna uma sugnaan qafaal ka sarreysa oo ka
qaali san haraaga jirka halkaas ku sugan.”
Waxay ka wariyeen Hishaam bin Caasim Al Aslamii/‫ هشام بن عاصم األسلمي‬inuu yiri: “markay
Quraysh/‫ قريش‬usoo baxday inay ku duusho Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam Duullaanka Uxud/‫ أحد‬oo ay ku degeen Al Abwaa’/‫ األبواء‬ayay Hind bintu Cutbah ‫هند بنت‬
‫ عتبة‬waxay ninkeeda Abuu Sufyaan bin Xarb/‫ أبو سفيان بن حرب‬ku tiri:
“maad goobtaan qabriga Aaminah Muxammad/‫ آمنة أم محمد‬hooyadiis oo ku yaalla Al
Abwaa’/‫ األبواء‬oo markaas haddii nin la idinka qafaalo (oo ay dagaalka muslimiintu idinka
qafaalaan siday Badar/‫ بدر‬uga qafaaleen oo kale) ku furta qof walba cad ka mid ah hilibeheeda.”
(Taariikhu Makkah/‫ تاريخ مكة‬bogga #841) iyo Al; Sayuudhii/‫( السيوطي‬Al Xaawii/‫ الحاوي‬2/233)
Xadiithkaan aan qaar kasoo qaatay:
Laakiin Abuu Sufyaan/‫ أبو سفيان‬waa awoodi waayay inuu warkaas Quraysh/‫ قريش‬u sheego.
Ayada waxaa ku dhacay argagax waa cabsi weyne oo meel kasta iyo si kastaba u galay,
markaasay ninkeeda kula qaylisay oo tiri:
“Albaabkaas ha nagu furin!”
Waxaabad mooddaa inuu argagaexeedaasu ka yimid ayadoo is tustay carada uu wiilka
Aaminah/‫ آمنة‬u caroon doono iyo muslimiintoo idil ay uga caroon doonaan ficilkaas xun oo la
diido.”
Markaasay Qurayshi ka gaddoontay Al Abwaa’/‫ األبواء‬ayadoo aan ku dhiirran inay ku xad
gudbaan oo aan ku falaadin qabriga uu ku ammaanaystay wiilka yar oo agoon ah maydka
hooyadiis in ka badan afartan sano ka hor kaddibna uusan halmaamin waligiis dambe.”
Waa intaas warka “Bintu Al Shaadh’i\‫ بنت الشاطئ‬Allaha dambigeeda dhaafee.
Ibnu Sacad/‫إبن سعد‬
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu bogga saddex boqol saddex iyo soddon ee mujalladka koowaad Al
Saayuudhii/‫ السيوطي‬uga wariyay inuu yiri:
278
“ibnu Sacd/‫ إبن سعد‬wuxuu “Al Dhabaqaatu/‫ ”الطبقات‬ku
Buraydah/‫ بريدة‬inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Makkah\‫ مكة‬yimid uu qabri tegey loona diiday inuu
“warkaasuu waa qalad oo qabrigeedu Makkah\‫ مكة‬kuma
Al Abwaa’/‫”األبواء‬. Waa intaas warkiisu.
yiri isagoo ka faalloonaya Xadiithka
Calaa Aalihi Wa Sallam inuu markuu
hooyadiis dambi dhaaf u waydiiyo:
yaallo oo qabrigeedu wuxuu ku yaalla
Aniguna waxaan leeyahay
Aniguna waxaan leeyahay: waxa la hubo oo la isku wada raacsan yahay kuwii hore iyo kuwa
dambeba waa inay Aaminah binti Wahb/‫ آمنة بنت وهب‬ku dhimatay oo lagu duugay Al
Abwaa’/‫األبواء‬, laguna duugay buur dusheed. Sababta buur dusheed loogu duugay waxaa weeye
inay waadigaas ay dhexdiisa ku dhimatay isugu yimaadaan waadiyo kala duwan oo markuu roob
da’oh dhulka qodayo oo maydka ku jira dibadda u soo saarayo.
In jirka Aaminah/‫ آمنة‬kaddib laga soo saaray qabrigeeda ku yaalla buur dusheed ee Al
Abwaa’/‫ األبواء‬ku yaalla oo loo soo qaaday oo lagu duugay Makkah Al Mukarramah/‫مكة المكرمة‬
waa malo iyo ku tiri ku teen, lamana sheegin sabab dadka ku xambaartay in maydkeeda la soo
raro oo laba boqol iyo soddon kiiloomitir lasoo qaado kaddib markay ku dhowaad lixdan sano
mootanayd.
Tan labaad waxa la hubo waxaa weeye inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam Xajjatu Al Wadaaci/‫ حجة الوداع‬soo maray Al Abwaa’/‫األبواء‬, siduu u wariyay Al
Waaqidii/‫الواقدي‬, oo ah Muxammad bin Cumar bin Waaqid/‫ محمد بن عمر بن واقد‬oo la oofsaday
sanadka laba boqol iyo toddoba ee Hijriga. Kitaabkiisa waxaa la yiraahdaa “Kitaabu Al
Maghaazii lil Waaqidii/‫”كتاب المغازي للواقدي‬. Nuskhada aan anigu haysto waxaa lagu daabacay
Bayruut ee dalka Lubnaan waxaan daabacday Caalamu Al Kutubi/‫ عالم الكتاب‬sanadka kun afar
boqol iyo afar Hijriga una dhigantah kun sagaal boqol afar iyo sideetan Miilaadiga. Waxaan
xaqiijiyay Dr. Marsden Jones.
Al Waaqidii/‫ الواقدي‬wuxuu ku dhashay Al Madiinah Al Munawwarah /‫ المدينة المنورة‬sanadka
boqol iyo soddon Hijriga dhammaaadka khilaafada Marwaan ibnu Muxammad/‫مروان إبن محمد‬
siduu Muxammad ibnu Sacad/‫ محمد إبن سعد‬u wariyay, oo kaatib u ahaa oo wax u dhigi jiray,
kaddibna allifay Al Dhabqaatu Al Kubraa/‫الطبقات الكبرى‬.
Ibnu Casaakir/‫إبن عساكر‬, Al Khadhiibu Al Baghdaadii/‫ الخطيب البغدادي‬iyo ibnu Sayyidi Al
Nnaasi/‫ إبن سيد الناس‬waxay Al Waaqidii/‫ الواقدي‬ka wariyeen inuu yiri:
“sooma gaarin oo ma arkin nin ka mid ah caruurta Asxaabta iyo caruurta Shuhadada iyo mawle
ay leeyihiin toona ee waa kaan illaa waydiiyay: “ma maqashay axad ka mid ah ehelkaaga oo kuu
sheegay duullaammada uu goob joogga ka ahaa xaggeebuuse ku dhintay?” Markuu intaas ii
sheegana waxaan tagaa meeshaas uu ii sheegay si aan indhahayga ugu arko. Waxaanna tegey Al
Muraysiic/‫ المريسيع‬oo aan ugu fiirsaday. Ma jiro Duullaan aan maqlay ee waa illaa aniga tegey
bartuu ka dhacay oo indhahayga ku arkay.”
Al Waaqidii/‫ الوفدي‬wuxuu kitaabkiisa Al Maghaazii/‫ المغازي‬mujalladka saddexaad bogga kun iyo
sagaal iyo sideetan iyo inta ka dambaysa ku yiri, isagoo ka hadlaya Xajjatu Al Wadaaci ‫حجة‬
‫الوداع‬:
“Waxaa ii warramay Abii Sabrah/‫أبي صبرة‬, kana wariyay Saciid bin Muxammad bin Jubayr bin
Mudhcim/‫ سعيد بن محمد بن جبير بن مطعم‬inuu aabihiis yiri:
279
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu Al Madiinah ka baxay maalin sabti
ah oo ay laba habeen ka hareen bisha Thuu Al Qacdah/‫ذو القعدة‬.”
Bogga kun iyo lix iyo sagaashan wuxuu ku yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku degay Al Ssuqyaa/‫السقيا‬
maalinta arbacada ah (maalinta shanaad markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Al Madiinah
kasoo baxay).
Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku waabariistay Al
Abwaa’u/‫األبواء‬, markaasuu Al Ssacbu bin Jath-thaamah/‫ الصعب بن جذامة‬u hadiyeeyey qaarka
dambe ee dameer oo dhiiggu ka da’ayo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam u celiyay wuxuuna yiri:
".‫"إنا محرمون‬
“innaa xurumun”
oo macneheedu yahay:
“annagu xajj ayaan u ixraamannahay”.
Mucaawiyah\‫ معاوية‬wuxuu oran jiray:
"waxaan arkay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo Al Abwaa’u/‫ األبواء‬ku
cunaya “liyaa-an muqshiyyan/‫ ”لياء مقشيا‬oo ah xubuub sida xumska oo kale ah oo diirkooda wata
oo aan la tumin oo Waddaan/‫ ودان‬looga hadiyeeyey, kaddibna uu istaagay salaadna tukaday
mana uusan wayseysan."
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku tukaday masjidka ku jeeda Waadiga Al
Abwaa’u/‫ وادي األبواء‬oo bidixda kaa qabanaya markaad Makkah u socotid.”
Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka ambabaxay Al Abwaa’u/‫األبواء‬
wuxuuna kaddib ku tukaday meel taagag (ama buuro yar yar leh) leh oo la yiraahdo Talacaati Al
Yaman/‫( تلعات اليمن‬ama wax la mid ah oo talacaat waa jamaca talcah waana dhulka taagga ah iyo
daadeggeedaba: Al Qaamuusu Al Muxiidhu/‫)القاموس المحيط‬.
Halkaas waxaa ku oolli jiray geed noociisu yahay Samurah/‫سمرة‬. Ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬wuxuu oran
jiray inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam geedkaas hoostiisa fariistay. Ibnu Cumar ‫إبن‬
/‫ عمر‬markuu geedkaas soo maro biyaha ubada ugu jira ayuu salkiisa ku shubi jiray oo uu sidaas
ku waraabin jiray.”
Al Waaqidii/‫ الواقدي‬wuxuu kaloo yiri: “waxaa ii warramay Aflax bin Xumayd /‫ أفلح بن حميد‬oo ka
wariyay aabihiis oo yiri: “ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬wuxuu ku warrami jiray inuu Nabigu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu geedkaas hoostiisa fariistay, iyo inuu ibnu
Cumar/‫ إبن عمر‬biyaha ubada ugu jira jirridda geedkaas Samurada/‫ سمرة‬ah ku shubi jiray isagoo sii
jiriddiisa doonaya iyi inuusan dhiman.” Intaasuu ke egyahay warka Al Waaqidii, Allaha
dambigiisa dhaafee.
280
Sidaasay asxaabta iyo culummada ka dambaysaba u ilaalin jireen dhaxalka iyo wax kastoo la
xiriira Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam si ay muslimiinta ka
dambaysa ayaguna u arkaan ugana faaiidaystaan.
Marka markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markaas uu Xajjatu
Al Wadaaci/‫ حجة الوداع‬u socdo qabriga hooyadiis Aaminah/‫ آمنة‬maray wuxuu ku maray Al
Abwaa’u/‫ األبواء‬ee ma aha Al Xajuun/‫ الحجون‬oo Kacbada qiyaas nus kiiloomitir ama wax la mid
ah u jirta. Xabaalaha Makkah ee Al Xajuun/‫ الحجون‬waaba la galaa oo muslinka ku duugan loo
duceeyaa, raggana lagama celiyo. Aniga laftaydu in badan ayaan galay oo muslimiinta ku
duugan soo salaamay una duceeyey. Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬in badan ayaan tegay
deeqda Ilaahay iyo xamdigiisa, mana maqal cid oranaysa inuu qabriga Aaminah/‫ آمنة‬Makkah ku
yaallo. Dukaanley reer Makkah\‫ مكة‬una dhow qubuuraha Al xajuun\‫ الحجون‬ayaan u sheegay inaan
akhriyay inuu qabriga Aaminah/‫ آمنة‬Makkah\‫ مكة‬ku yaallo Al Xajuun\‫ الحجون‬ama guri loogu tala
galay aanna weydiiyay inay ii tilmaamaan, waxayna ii sheegeen inay ogayn oo ayan cilmi u
lahayn.
Markay taariikhdu ahayd maalin habeen Isniin ah ee bisha Jamaada Al Uulaa/‫ جماد اآلولى‬tahay
saddex iyo toban habeen ka gudbeen ee sanadka kun afar boqol laba iyo soddon Hijriga, una
dhiganta toddoba iyo tobanka bisha Abriile laba kun kow iyo toban Miilaadiga ah salaadda cishe
kaddib oo aan Al Masjidu Al Xaraamu/‫ المسجد الحرام‬ee Makkah Al Mukarramah/‫ مكة المكرمة‬ku
tukaday waxaan u imid laba nin oo ka mid ah ragga culummada ka shaqeeya Al Masjidu Al
Xaraami\‫ المسجد الحرام‬oo Kacbada agteeda fadhiya.
Midkood ayaan la hadlay ilaa afartan jir ah. Waxaan u sheegay magacayga, inaan soomaali u
dhashay haddase aan maraykan noqday oo aan dalkaas degganahay, aanna ka mid ahay kuwa
dadka diinta islaamka bara, kutubbana dhigah. Waxaan u sheegay inaan su’aal qabo aan
caqiidada ku saabsanayn, balse taariikh iyo cilmi guud iyo makaan (juqraafi) waxaanna
waydiiyay inaan su’aashaas waydiin karo.
Wuxuu yiri: “Haa”.
Waxaan iri:
"waxaan kutubbada ka akhriyay inay Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬, hooyada dhashay
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku duugan tahay oo
qabrigeedu ku yaallo buur dusheeda ee magaalada Al Abwaa’/‫األبواء‬. Waxaan kaloo akhriyay in
jirkeeda laga soo raray Al Abwaa’u/‫ األبواء‬oo lagu duugay xabaalaha Makkah\‫ مكة‬ee Al
Xajuun\‫الحجون‬. Waxaan kaloo kutubbada ka akhriyay in nin aanan hadda magaciisa xusuusan oo
reer Makkah\‫ مكة‬ah uu guri wayn u dhisay oo quruxsan oo markaas jirkeeda Al Abwaa’/‫األبواء‬
laga soo raray oo gurigaas dhexdiisa lagu duugay. Marka qabriga Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
\‫ وهب‬hooyada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhashay
xaggee ku yaalla: ma Al Abwaa’/‫ األبواء‬mase Makkah/‫”?مكة‬
Markaasuu nin kale oo isla da’diisa ah oo raggaas Masjidka ka shaqeeya ka mid ah ayuu isagana
u yeeray oo nala soo fariistay. Markaan su’aashayda dhammeeyey waxay yiraahdeen:
“Aaminah/‫ آمنة‬qabrigeedu wuxuu ku yaalla Al Abwaa’/‫ األبواء‬si xoog leh ayayna dawladdu u
ilaalisaa waana mamnuuc in la ziyaartaa.”
281
Waxay kaloo yiraahdeen:
“qubuuraha Al Xajuun‫ الحجون‬ee Makkah\‫ مكة‬waa la yaqaanna dadka ku duugan, oo qubuuraha
tilaaman waxaa ka mid ah qabriga Khadiijah bintu Khuwaylid/‫خديجة بنت خويلد‬, qabriga Cabdu
Allaahi bin Al Zzubayr/‫ عبد هللا بن الزبير‬iyo qabriga hooyadiis Asmaa’u bintu Abii Bakr Al
ssiddiiqu/‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬. Qabriga Aaminah bintu Wahabna/‫ آمنة بنت وهب‬kuma yaallo Al
Xajuun.”
Waxay intaas ku dareen inayan kutubbada aan magacdooda u sheegay inay axaadiithtaas
wariyeen ayna ka wariyeen Caa’ishah\‫ عائشة‬iyo Cabdu Allaahi bin Mascuud\‫عبد هللا بن مسعود‬
ayan horeba u maqal iyo axaadiithta laftoodaba. Waxaan u sheegay inaan warkoodaas kitaabka
aan dhigayo ku dari doono inay labadoodu warkaas ii sugeen, ayaguna wax diidaya inaan
warkoodaas dhigo iima sheegin imana tusin oo wax faallo ah kuma ayan darin.
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu Al Dhabaqaatu\‫ الطبقات‬ku yiri markuu warinayo dhimashada Aaminah
bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raalli ka noqdee wuxuu mujalladka koowaad bogga sideed
iyo toddobaatan ku yiri:
:‫فلما مر رسول هللا صلى هللا عليه وسلم في عمرة الحديبية باألبواء قال‬
".‫“إن هللا قد أذن لمحمد في زيارة قبر أمه‬
“Inna Allaaha qad athina li Muxammadin fii ziyaarati qabri ummihi”.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay wuxuu u oggolaaday Muxammad\‫ محمد‬inuu qabriga hooyadiis ziyaarto.”
‫ وبكى المسلمون لبكاء رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فقيل له‬،‫فأتاه رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فأصلحه وبكى عنده‬
:‫فقال‬
".‫“أدركتني رحمتها فبكيت‬
“Adrakatnii raxmatuhaa fa bakaytu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaa isoo gaartay naxariisteeda, markaasaan booyay.”
Geedaha timirta oo uu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
gacantiisa sharafta leh ku tallaalay
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu yiri: "Al Bukhaarii/‫ البخاري‬wuxuu xusay Xadiithka Salmaan/‫سلمان‬
siduu ibnu Isxaaq/‫ إبن إسحاق‬u xusay oo kale, wuxuuse wariyay inuu Salmaan/‫ سلمان‬hal geed uu
gacantiisa ku beeray, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu intooda kale
beeray.
Markaasey geedaha kulligood noolaadeen, intaan ka ahayn geedkuu Salmaan/‫ سلمان‬gacantiisa ku
beeray. Kaas weeye macnaha Xadiithka Al Bukhaarii\‫البخاري‬."
282
Waana intaas warka Al Suhaylii.
Salmaan Al Faarisii/‫ سلمان الفارسي‬wuxuu addoon u ahaa nin yuhuudi ah oo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬deggan markaasuu markuu islaamay uu Nabigu Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku yiri inuu yuhuudiga weydiisto maalka uu naftiisa uga
gadan karo. Markaasuu wuxuu yuhuudigu ku yiri:
“inaad saddex boqol oo geed timireed ii beertid iyo afartan wiqiyadood oo dahab ah.”
Saddexdaas boqol oo geed laba boqol iyo sagaal sagaashan waxaa gacantiisa sharafta leh ku
beeray oo dhulka la geliyay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aaalihi Wa
Sallam, hal geedna Salmaan/‫سلمان‬. Geedahaas dhammaantoodna waxaa Salmaan ugu deeqay
Asxaabta, dahabkana waxaa siiyay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Anigaan ina Sheekh Xuseen Cismaan ah oo kitaabkaan dhigaya, mar aan soo Xajiyay sanadka
kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah laba kun iyo afar Miilaadiga,
ayaan waxaan ku hormaray ziyaarada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan
Masjidkiisa afartan salaadood oo fardi ah oo isku xigta imaamka gadaashiisa jamaaco ku
tukaday, oo aan imaamku markuu takbiiratu al ixraami salaadda ku xirtay aan aniguna safka ku
jiray oo aan ka daba xirtay. Rag soomaali ah oo jaamacadda Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬darajada Majisteer ka barta ayaa waxay ii sheegeen in macallin ka mid ah macallimiinta
jaamacaddaas Al Madiinah\‫ المدينة‬ku taalla uu u sheegay in geed timireedka ugu dambeeyey
kuwuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa sharafta leh ku beeray, ay
Dawladda Sucuudigu goysay markuu sanadku ahaa kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetanka,
ama meelahaas, kaddib markay in lagu fitnoobo ka yaabtay. Marka, geedkaasu wuxuu jiray kun
iyo afar boqol iyo kow sano, ama meelahaas. Runtana Ilaahay ayaa u cilmi leh.
Marka is barbar dhig siduu ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬waysadiisa ugu waraabin jiray geedkuu Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoostiisa fariistay si uu u haro
oo u waaro, iyo siday rag kale maanta u goynayaan geedkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam gacantiisa sharafta leh ugu beeray, sii uu u dhinto oo uusan raad uga
harin.
Waa laba zaman oo kala khayr badan iyo rag kala khayr badan.
*
Kutubbada Siirada lagu kalsoon yahay oo idil waxay wariyeen inay Aaminah binti Wahab ‫آمنة‬
‫ بنت وهب‬ku duugan tahay Al Abwaa’u/‫األبواء‬, dadka degganna waxay aniga laftaydaba ii
sheegeen meeshuu qabrigeedu ku yaallo. Waxay kaloo reer Abwaa’u /‫ األبواء‬intaan ka arkay ii
sheegeen inay jiraan “mudhawwiciin/‫ ”مطوعين‬rag ay ku tilmaameen oo dadka ka reeba
booqashada qabrigaas. Haddayan Aaminah/‫ آمنة‬ku duugnayn bartaas oo ayan bartaasu qabri
ahaan lahayn dawladda Sucuudigu dadka miyay ka reebi lahayd? Waa intaas warkaygu.
283
Qabriga Aaminah bintu Wahb\‫ آمنة بنت وهب‬kuna yaalla buurtaan dhaladeeda. Waxaa kuu
muuqda guryaha magaalada Al Abwaa’u‫األبواء‬. Sabti shanta Jumaadu Al Uulaa‫جماد األولى‬
kun afar boqol laba iyo soddon Hijriga, sagaalka Abriil laba kun kow iyo toban miilaadiga.
Xasanwali
Magaalada Al Abwaa’\‫األبواء‬: buur kuwa dhexda ku jira dhaladeeda ayuu qabriga Aaminah
bintu Wahb\‫ آمنة بنت وهب‬Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Sallam ku yaalla. Arbaco labada
284
Jumaadu Al Uulaa\‫ جماد اآلولى‬kun afar boqol laba iyo soddon Hijriga, lixda Abriil laba kun
kow iyo toban. Xasanwali.
285
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Qaybta Saddexaad
Dib usoo noolaynta iyo aaminidda Aaminah\‫ آمنة‬iyo Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
Xadiithka dib usoo noolaynta Aaminah‫ آمنة‬ee Caa’ishah, Allaha raalli ka noqdee, ee Al
Dhabarii\‫الطبري‬
Kow. Al Qasdhalaanii/‫ القسطالني‬markuu xusay geerida hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo waxa tilmaamaya oo daliilka u ah inay tawxiidka ku dhimatay, ayay waxay taasi
usii jiidday inuu wariyo Xadiithka ayada soo nooleynteeda iyo soo nooleynta aabihiis, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna soo hormariyay soo nooleynta hooyada, ayadoo ay
riwaayadaha wariyay Xadiithkaasi ay fara badan yihiin, wuxuuna yiri:
“Waxaa la wariyay inay Aaminah/‫ آمنة‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
rumaysay geerideeda kaddib.”
Labo. Xadiithka Caa’ishah. Wuxuu wariyay Al Xaafith Muxibbu Al Diin Axmad bin Cabdu
Allaahi bin Muxammad, Abuu Al Cabbaas Al Makkii ‫الحافظ محب الدين أحمد بن عبد هللا بن محمد إبو‬
‫(العباس المكي الطبري‬oo reer Makkah\‫ مكة‬ah) Al Dhabarii\‫الطبري‬, Imaamka suuban oo cilmiga
Xadiithka ku xeel dheer, zaahidka ah oo adduunkaanba ka kaaftoomay, shaaficigana ah, faqiiha
Xaramka Makkah iyo muxaddathka Xijaaz/‫الحجاز‬, lana oofsaday bisha Jamaadu Al Aakhirah ee
sanadka lix boqol iyo afar iyo sagaashan ee Hijrada, kuna wariyay sanad uu isagu leeyahay
(sanadku waa silsiladda ragga Xadiithkaas wariayay), wuxuuna kitaabkiisa Siirada ku yiri inay
Caa’ishah\‫عائشة‬, Allaha ayada iyo qoyskeedaba raalli ka noqdee, tiri:
“Inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Xajuun \‫ الحجون‬kusoo degay isagoo tiiraanyo
la murugsan. Markaasuu bartaas ku sugnaaday intuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, doono inuu ku
sugnaado, kaddibna wuxuu soo laabtay isagoo faraxsan. Markaasuu (kaddib markay Caa’isha
weydiisay sababta uu markii horena u tiiraanyeysnaa, hadana u faraxsan yahay, sidaan Xadiithka
kaloo soo socda ku arki doonno, hadduu Alle idmo) wuxuu yiri:
".‫ ثم ردها‬،‫"سألت ربي فأحيى لي أمي فآمنت بي‬
“Sa’altu Rabbii fa axyaa lii ummii fa aamanat bii, thumma raddahaa”,
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay ayaan waxaan weydiistay inuu hooyadey soo nooleeyo, markaasuu ii soo nooleeyey,
kaddib, markaasay i aamintay, kaddibna xaaladdeedii maydka ahayd ayuu dib ugu celiyay.”
Xadiithka Caa’ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee ee Ibnu Shaahiin\‫إبن شاهين‬
Saddex. Xadiithkaan Caa’ishah‫ عائشة‬waxaa kaloo sidaasoo kale u wariyay Xaafithka wayn,
Imaamka laga faaiidaystay Abuu Xafs bin Shaahiin Cumar bin Axmad bin Cuthmaan Al
Baghdaadii‫أبو حفص بن شاهين عمر بن أحمد بن عثمان البغدادي‬, midka lagu kalsoon yahay oo la aaminay,
dhigayna saddex boqol iyo soddon kitaab, ayna ka mid yihiin Al Tafsiiru Al Kabiiru/‫التفسير الكبير‬
oo kun juz ka kooban, iyo Al Musnad/‫( المسند‬oo ah kitaab Xadiith) oo kun iyo saddex boqol oo
286
juz ka kooban, dhintayna bisha Thul Xajjah ee sanadka saddex boqol iyo shan iyo sideetan ee
Hijriga, wuxuuna ku wariyay kitaabkiisa Al Naasikhu wa Al Mansuukhu/‫( الناسخ والمنسوخ‬oo uu
ku wariyay Axaadiithta la buriyay oo horreeyey iyo kuwa buriyay oo ka dambeeyey), kaddib
markuu Xadiithkaan hortiis soo wariyay Xadiithka ku saabsan inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, qabriga hooyadiis booqday, lagana reebay inuu dambi dhaaf u weydiiyo,
uuna Xadiithkaan dambe ka dhigay mansuukh la buriyay oo aan ku dhaqan lahayn (waana
Xadiithka ka reebidda u dambi dhaaf weydiinta midka mansuukha ah oo aan ku dhaqanka
lahayn, ayuu yiri).
Xadiithkaas booqashada qabriga kaddibna wuxuu wariyay Xadiithkaan Caa’ishah/‫عائشة‬,
wuxuuna yiri:
“Waxaa noo warramay Muxammad bin Xusayn bin Ziyaad, mawlaha Al Ansaari ‫محمد بن حسين بن‬
‫زياد مولى األنصاري‬, oo yiri waxaa noo warramay Cabdu Al Wahhaab bin Muusaa Al Zuhriyyi ‫عبد‬
‫الوهاب بن موسى الزهري‬, oo ka wariyay Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Al Zanaad ‫عبد الرحمن بن أبي‬
‫ زناد‬oo ka wariyay Hishaam bin Curwah/‫( هشام بن عروة‬Curwana waa ina Al Zubayr bin Al
Cawwaam/‫الزبير بن العوام‬, Xawaariga/‫ حواري‬Nabiga, Sallaa Allaahu Clayhi Wasallam, hooyadiisna
waa Caa’ishah/‫ عائشة‬walaasheed Asmaa’ bintu Abii Bakar Al Siddiiq/‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬,
Allaha dhammantood raalli ka noqdee), oo ka wariyay aabihiis Al Zubayr bin Al
Cawwaamu/‫( الزبير بن العوام‬Al Zubayrna/‫ الزبير‬waxaa dhashay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, eedadiis aabihiis la dhaltay Safiyyata bintu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫صفية بنت عبد‬
/‫المطلب‬. Al Zzubayru/‫ الزبير‬aabihiisa dhalay waa walaalka la dhashay Ummu Al Mu’miniina
Khadiijah bini Khuwaylid ‫ خديجة بنت خويلد‬haweenta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, magaciisuna waa Al Cawwaamu bin Khuwaylid /‫ العوام بن خويلد‬oo
sidaasay Khadiijah/‫ خديجة‬eedadiis aabihiis la dhalatay ku tahay. Al Zubayru/‫ الزبير‬waxay isku
sanad dhasheen Amiiru Al Al Mu’miniina Calii Bin Abii Dhaalib/‫أمير المؤمنين علي بن أبي طالب‬
iyo Dhalxah bin Cubaydu Allaahi/‫ طلحة بن عبيد هللا‬iyo Sacad bin Abii Waqqaas ‫سعد بن أبي‬
/‫وقاص‬, Allaha dhammantood raalli ka noqdee, kuliigoodna waxay ka mid yihiin tobanka
Jannada loogu bishaareeyey.
Al Zubayr/‫ الزبير‬wuxuu islaamay isagoo lix iyo toban sano jira, kamana uusan harin duullaan uu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, galay. Maalinta Badar/‫ بدر‬wuxuu Al Zubayr/‫الزبير‬
duubnaa cimaamad hurdi ah oo midabka liin dhanaanta leh oo intuu madaxa ku duubtay uu
hadana wajiga mariyay, markaasay Maalintaas Badar Malaa’igtu soo degatay ayadoo u
calaamdeysan sida Al Zubayr/‫ الزبير‬oo cimaamado hurdi ah duuban, uuna Jibriil/‫جبريل‬,
Calayhissalaamu, hoggaaminayo. Al Zubayr /‫ الزبير‬wuxuu kaloo ahaa geesi inta safafka cadawga
keligiis weerara kala dhanbala oo midnimadooda kala jebiya. Allow u naxariiso Al Zubayr ibnu
Safiyyahata/‫الزبير إبن صفية‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ina eedadiis),
kaasoo ka wariyay Caa’ishah/‫ عائشة‬oo wariyay inay tiri:
“Inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Xajuun/‫ الحجون‬kusoo degay isagoo murug la
tiiraanyeysan, uuna halkaas ku sugnaaday intuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, doono inuu ku
sugnaado, kaddibna isagoo faraxsan uu soo laabtay. Markaasaan waxaan iri:
“Rasuulka Ilaahayow! Waxaad u degtay Al Xajuun/‫ الحجون‬adigoo tiiraanyo la murugsan,
markaasaad ku sugnaatay intuu Ilaahay doonay, kaddibna waxaad soo laabatay adigoo faraxsan”.
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
287
".‫ ثم ردها‬،‫"سألت ربي فأحيى لي أمي فآمنت بي‬
“Sa’altu Allaaha Rabbii fa axyaa lii ummii fa aamanat bii, thumma raddahaa”,
oo macneheedu yahay:
“Waxaan weydiistay Ilaahay, oo Rabbigay ah, markaasuu ii soo nooleeyey hoyadey, (oo uu
markaas soo nooleeyey) markaasey i rumeysay, kaddibna (maydnimadeedii) ayuu dib ugu
celiyay”.
Sidaas ayuu Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬kutubbadiisa isaguna ugu wariyay, iyo inay erayada Xadiithka
Ibnu Shaahiin/‫ إبن شاهين‬sidaas ahaayeen. Kutubbo kalena sidaas oo kale ayay u wariyeen.
Xadiithka Caa’ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee ee Al Khadhiibu Al Baghdaadii ‫الخطيب‬
‫البغدادي‬
Afar. Xadiithka Caa’ishah. Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬iyo Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬iyo kuwo kaleba
waxay u nisbeeyeen Al Khadhiibu Al Baghdaadii/‫ الخطيب البغدادي‬oo ku wariyay kitaabkiisa Al
Saabiqu wa Al Laaxiqu/‫السابق والالحق‬, oo kitaabkiisaasna uu ka hadlayo Axaadiithta hore oo la
buriyay (Al Saabiqu/‫ السابق‬waa sidaas) iyo kuwa ku xigay oo ka dambeeyey oo buriyay (Al
Laaxiqu/‫ الالحق‬waa ayaduna sidaas), wuxuuna yiri:
“Waxaa noo warramay Abuu Al Calaa’ Al Waasidhii/‫ أبو العلى الوسطي‬oo ka wariyay Al Xusayn
bin Muxammad Al Xalabii/‫الحسين بن محمد الحلبي‬, oo ka wariyay Abuu Dhaalib Cumar bin Al
Rabiic Al Zaahid/‫ أبو طالب عمر بن الربيع الزاهد‬oo ka wariyay Calii bin Ayyuub Al Kacbii ‫علي بن أيوب‬
‫الكعبي‬, oo ka wariyay Muxammad bin Yaxyaa bin Al Zuhriyyi/‫محمد بن يحيى بن الزهري‬, oo ka
wariyay Abuu Ghaziyyah/‫ أبو غازية‬oo ka wariyay Cabdu Al Wahhaab ibnu Muusaa ‫عبد الهاب بن‬
/‫ موسى‬oo ka wariyay Maalik bin Anas oo ka wariyay Abuu Al Zanaad oo ka wariyay Hishaam
bin Curwah/‫هشام بن عروة‬, oo ka wariyay Caa’ishah/‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, oo tiri:
“Waxaa na xajjisiiyay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xajjatu Al
Wadaaci/‫حجة الوداع‬, markaasuu ila maray dariiq taga Al Xajuun/‫( الحجون‬xabaalaha Al Xajuun
waxay Kacbada u jiraan dhowr boqol oo mitir, waxaana lagu tegi karaa ilaa toban daqiiqo oo
socod ah), isagoo tiiraanyeysan oo calool xun.
Markaasaan aniguna oohintiisa la booyay (ama markaasaan aniguna oohinta Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la booyay, siduu Al Khadhiib/‫ الخطيب‬u wariyay). Markaasuu
degay (daabbadduu saarnaa, Sallaa Allaahu Calayhi wasallam ka degey, sida hadalka ka
muuqata, runtana Rabbi ayaa og), wuxuuna yiri:
".‫" يا حميراء إستمسكي‬
”Yaa xumayraa’a istamsikii”, oo macneheedu yahay: “Middaan guduudaney, qabso wax kaa
reeba inaad dhacdid (is celih)” oo Carabtu qofka cad waxay tiraahdaa axmar oo ah guduud,
marka xumayraa’a waa midda yar oo cad. Eraygaan xumayraa’a wuxuu kaloo ku jiraa Axaadiith
ay ka mid yihiin labadaan soo socota:
(b). Al Nasaa’ii/‫ النسائي‬wuxuu ka wariyay Ummu Salamata/‫ أم سلمة‬oo ka warisay
Caa’ishah/‫ عائشة‬inay tiri:
288
“Masjidka ayaa waxaa soo galay xabashadii oo dhexdeeda cayaar ku qabsatay. Markaasuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"يا حميراء أتحبين أن تنظر إليهم‬
“Yaa xumayraa’a a tuxibbiini an tanthura ilayhim”,
oo macneheedu yahay:
“Middaan yaroo guduudaney, ma jecashahay inaad fiirsatid?”
Waxaan iri:
“Haa/‫”نعم‬.
Al Nasaa’ii/‫ النسائي‬wuxuu yiri silsiladda warisayna waa saxiix.
(t). Al Xaakim/‫ الحاكم‬wuxuu Ummu Salamata/‫ أم سلمة‬ka wariyay inay tiri:
“Nabigaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu xusay bixidda mid ka mid ah hooyooyinka
Mu’miniinta (waana haweenkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), markaasey Caa’ishah
qososhay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أنظري يا حميراء أن ال تكوني أنت‬
”Unthurii yaa xumayraa’a an laa takuunii anti”,
oo macneheedu yahay
“U daymo lahaw, middaan yaroo guduudaney, inaadan adiga noqon.”
Kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u jeestay Calii/‫علي‬, wuxuuna yiri:
".‫"إن وليت من أمرها شيأ فإرفق بها‬
“In wallayta min amrihaa shay’an fa irfaq bihaa”,
oo macneheedu yahay:
“Haddaad shay taladeeda ka mid ah xilqaadid, u tur”.
Al Xaakim/‫ الحاكم‬wuxuu yiri: kani waa Xadiith uu ku jiro erayga xumayraa’a oo saxiix ah.
Haddaan Xadiithka Al Khadhiib/‫ الخطيب‬dib ugu laabanno, oo aan sii wadno, wuxuu
Caa’ishah/‫ عائشة‬ka wariyay inay tiri:
“Markaasaan ratiga dhiniciisa ku tiirsaday. Markaasuu waqti dheer iga maqnaa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kaddibna uu ii soo laabtay isagoo faraxsan oo ilka caddaynaya. Markaasaan
waxaan ku iri:
“Aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxaad agteyda ka degatay adigoo ooyaya, oo tiiraanyeysan oo murugsan,
markaasaan aniguna oohintaada daraadeed la ooyay. Kaddibna waxaad ii soo noqotay adigoo
faraxsan oo ilka caddaynaya. Maxay taasi ku ahaatay, oo u sabab ah Rasuulka Ilaahayow?
Markaasuu wuxuu yiri:
289
".‫ وردها هللا‬،‫ فأمنت بي‬،‫ فأحياها‬،‫"ذهبت لقبر أمي فسألت هللا أن يحييها‬
“Thahabtu li qabri ummii fa sa’altu Allaaha an yuxyiihaa, fa axyaahaa, fa aamanat bii wa
raddahaa Allaahu”,
oo macneheedu yahay:
“Waxaan tegey qabriga hooyadey, markaasaan weydiistay Ilaahay inuu soo nooleeyo, markaasuu
soo nooleeyey. Markaasey i rumeysay, kaddibna uu Ilaahay (maydnimadeedii) ku celiyay”.
Waxaa kaloo Xadiithkaan sidaas oo kale u wariyay Al Daarqudhniyyu/‫الدارقطني‬, wuxuuna yiri:
waa baadhil.
Waxaa kaloo Xadiithkaan wariyay Ibnu Casaakir/‫إبن عساكر‬, wuxuuna yiri: "waa munkar" (oo ah
waa daciif uu qof kali ah wariyay: xadiithku qof kale ah wariyay oo ka duwan kuwa saxiixa ah
oo ay dad badani wariyeen ayaa munkar la yiraahdaa), ayadoo uusan Hishaam/‫هشام‬
Caa’ishah/‫ عائشة‬soo gaarin.
Al Daarqudhniyyu/‫ الدارقطني‬iyo Ibnu Casaakir/‫ إبن عساكر‬waxay sidaas u yiraahdeen inay ka tageen
silsiladda Xadiithka warisay nin magaciisa oo ah inuu Hishaam/‫ هشام‬ka wariyay Xadiithkaan
aabihiis Curwah bin Al Zubayr/‫ عروة بن الزبير‬oo habaryartiis Caa’isha/‫ عائشة‬soona gaaray kana
wariyay.
Waxaaba kitaabka Al Lisaanu/‫ اللسان‬ku sugan inay silsiladda ku sugantahay inuu Hishaam /‫هشام‬
aabihiis Curwah/‫ عروة‬ka wariyay, siday ugu sugnaatay warinta Al Dhabarii/‫ الطبري‬iyo Ibnu
Shaahiin/‫إبن شاهين‬, sidaan hore usoo aragnay.
Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Ibnu Al Jawziyyi/‫إبن الجوزي‬, kaasoo aan ragga Xadiithka
wariyay ka hadlin.
Ibnu Xajar/‫إبن حجر العسقالني‬: Xadiithkaanu been ma aha
Al Xaafith ibnu Xajar/‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu yiri hadal gunaanadkiisu yahay:
“Xadiithkaani mawduuc\‫ موضوع‬ma aha (been la dhigay ma aha), dariiqyo kala duwan ayaana
lagu wariyay, udub dhexaadka ay dariiqyadaasoo idil isugu imaanayaanna waa Abuu
Ghaziyyah/‫ أبو غزية‬keligiis. Haddayan dariiqyada Xadiithkoo idil isaga keligiis isagu imaan
lahaynna waxaan xukumi lahayn inuu yahay Xadiith Xasan\‫ حديث حسن‬ah.” Allaha khayr badan
siiyo Ibnu Al Xajar\‫إبن حجر‬.
Xadiithka Caa’ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee ee Al Suhaylii\‫السهيلي‬
Shan. Xadiithka Al Suhaylii/‫السهيلي‬. Al Suhaylii wuxuu kitaabkiisa Al Rawdu al Unuf‫الروض األنف‬
kaloo ku wariyay Xadiith uu yiri dariiq kali ah ayaa lagu wariyay, ayna dhici karto inuu saxiix
yahay, wuxuuna yiri:
“Waxaan Xadiithkaas helay isagoo ku dhigan farta awoowahay Abuu Cimraan Axmad bin Abii
Al Xasan/‫أبو عمران أحمد بن أبي الحسن‬, oo qaalli ahaa, Allaha u naxariistee, ayna silsiladda ragga
wariyay ku jiraan rag aan la aqoon, wuxuuna xusay (awoowihiis) inuu Xadiithkaas kasoo
guuriyay kitaabka laga soo nuskheeyey (laga soo dhigay oo isagoo kale ah) kitaabka uu dhigay
Mucawwith (waa thaalka deelka ku xigah) bin Daauud bin Mucawwith /‫معوذ بن داود بن معوذ‬, midka
zaahidka ahaa (oo adduunkaanba ka kaaftoomay), uuna, leeyahay waxaa wariyay oo uu kor ugu
qaadayo (Cabdu Al Rraxmaan) bin abii Al Zanaad/‫ عبد الرحمن بن أبي زنيد‬oo ka wariyay
290
(Hishaam/‫ )هشام‬bin Curwah/‫ بن عروة‬oo ka wariyay aabihiis, oo ka wariyay Caa’ishah/‫عائشة‬,
Allaha dhammaantood raalli ka noqdee, inay tiri:
".‫ ثم أماتهما‬،‫ وآمنا به‬،‫ فأحياهما له‬،‫"أخبرت أن رسول هللا صلى هللا عليه وسلم سأل ربه أن يحيي أبويه‬
“Waxaa la ii sheegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waydiistay
Rabbigiis inuu aabihiis iyo hooyadiis usoo nooleeyo, uuna usoo nooleeyey, oo ay markaas ay
aamineen (rumeeyeen oo ay mu’muniin muslin ah noqdeen), kaddibna uu maydnimadoodii ku
celiyay”.
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
“Ilaahayna wax walba waa awoodaa, oo qaadir ayuu ku yahay, Raxmadiisa iyo Qudraddiisuna
wax hor istaagi kara ma jiraan, wuxuusan karinna ma jirto, Nabigiisuna, Sallallaahu Calayhi
Wasallam, ehel ayuu u yahay, oo waa mudan yahay, inuu ku gooni yeelo oo uu siiyo wixii uu
doono oo deeqdiisa ka mid ah, uuna ugu nicmeeyo wixii uu doono oo karaamdaiisa iyo
deeqsinnimadiisa ka mid ah, Sallaa Allaahu Calayhi wa Aalihi Wasallam.”
Ibnu Kathiir/‫أبن كثير‬
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri: “Ibnu Kathiir/‫ إبن كثير‬wuxuu yiri:
“Waa Xadiith aad munkar u ah, silsiladdiisana ay rag aan la aqoon ku jiraan, in kastoo ay taasi
suurtagal tahay (waa dib usoo nooleynta iyo aaminidda Aaminah/‫ )آمنة‬marka Qudradda Ilaahay
Tacaalaa la fiiriyo. Waxaase taas khilaafsan waxa saxiixa ku sugnaaday”.
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Sidaas ayuu Ibnu Kathiir/‫ إبن كثير‬yiri.
Marka Ibnu Kathiir/‫ إبن كثير‬wuxuu leeyahay waa Xadiith munkar ah, munkarkuna waa Xadiith
daciif ah oo waa qayb ka mid ah qaybaha Axaadiithta daciifka ah. Taasi ayaa u sabab ah inuu Al
Sayuudhii/‫ السيوطي‬isagoo Ibnu Casaakir/‫ إبن عساكر‬u jawaabaya uu u yiri:
“Munkarka midkaan waa xujjo (la daliilsado oo lagu dhaqmo) sidaan u sheegay inuu yahay
daciif ee uusan mawduuc/‫( موضوع‬been la abuuray oo kutubbada la dhex geliyay, Nabigana,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo nisbeeyey) ahayn, maxaa yeelay munkarku wuxuu ka mid
yahay qaybta daciifka/‫ ضعيف‬ah, isaga iyo mawduucana waxaa u dhexeeya farqi la yaqaanno ee
Cilmiga Xadiithka, oo munkar waxaa la yiraahdaa Xadiith uu nin keligiis wariyay oo uu ninkaasi
daciifnimo (sida ayadoo xusuustiisa la duray, iwm) ku tilmaaman yahay, oo Xadiithkiisu ka
duwan yahay isla Xadiithkaasoo ay wariyeen ragga kale oo lagu kalsoon yahay. Xadiithkaanna
sidaas weeye, hadduu ka fiyoobaado ka duwanaasho iyo khilaaf uu uga duwan yahay Xadiithka
booqashada qabriga iyo kuwa la midka ah, markaasoo uu noqonayo Xadiith daciif ah oo keli ah,
taasoo ah martabad ka sarreysa martabada munkarka ah”. Intaasuu ahaa hadalka Al Zarqaanii.
Al Ssayuudhii/‫السيوطي‬
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuu yiri:
“Aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, way badbaadeen, Naartana kuma
jiraan, waxayna ku jiraan Jannada, siduu sugay Xadiithkaan iyo kuwa kaleba.”
291
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuu kitaabkiisa Subulu Al Najaati‫ سبل النجاة‬ku yiri:
“Waxan u liicah oo qabah inuu Ilaahay aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
soo nooleeyey oo ay aamineen koox imaamyada ka mid ah iyo koox kuwa Xadiithka xifthisanba,
waxayna ku wada tiirsadeen Xadiith daciif ah aanse mawduuc ahayn”, oo ay sidaas Jannada ugu
jiraan, Allaha raalli ka noqdee.
Ibnu Al Jawziyyi/‫إبن الجوزي‬
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Ibnu Al Jawziyyi/‫ إبن الجوزي‬wuxuu wariyay Xadiith kale oo aan midkaan ahayn, oo uu dariiq
iyo rag kale uga wariyay, kuna saabsan soo nooleynta hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo keli ah, erayadiisuna ay ka duwan yihiin kuwa Xadiithka Al Suhaylii/‫السهيلي‬, oo uu
sidaas Xadiith iskiis u taagan yahay oo mustaqil ah.”
Waa intaas warkiisu.
Xadiith daciif ah manaaqibta waa u xujjo
Imaamyadu, sida Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬iyo Al Khadhiib/‫ الخطيب‬iyo Ibnu Casaakir/‫ إبن عساكر‬iyo
Ibnu Shaahiin/‫ إبن شاهين‬iyo Al Suhaylii/‫ السهيلي‬iyo Al Muxibbu Al Dhabarii/‫ ( المحب الطبري‬waana
Abuu Jacfar Axmad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad, Abuu Al Cabbasna waa la yiri, kuna
caan baxay Al Muxibbu Al Diini Al Dhabarii\‫المحب الدين الطبري‬, Sheekha Mashaayikhda Fiqiga
iyo Xadiithka, ahaana Sheekha Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬oo ah Imaamka leh
kutubbada ay ka mid yihiin kitaabka wayn ee la yiraahdo Al Riyaadu Al Nadrati fii Manaaqibi
Al Cashrati‫الرياض النصرة في مناقب العشرة‬, oo Tobanka Jannada loogu bishaareeyey Axaadiithta
kusoo aroortay ka warramaya, iyo Al Samdhu Al Thamiinu fii Manaaqibi Ummuhaati Al
Mu’miniina‫ ”السمط الثمين في مناقب أمهات المومنين‬oo ku saabsan hooyooyinka Mu’miniinta,
haweenka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wuxuu ku dhashay Makkah,
ayaduuna ku dhinta, wuxuuna noolaa inta u dhexeysey lix boqol iyo shan iyo toban iyo lix boqol
iyo afar iyo sagaashan Hijriga), Al callaamah Naasiru Al Ddiini bin Al Muniir ‫العالمة ناصر الدين بن‬
/‫منير‬, Ibnu Sayyidu Al Naasi‫إبن سيد الناس‬, Al Saalax Al Safadii/‫الصالح الصفدي‬, Al Xaafith bin
Naasir/‫الحافظ بن ناصر‬, iyo culummaduba waxay qabaan in Xadiithka daciifka ah loo isticmaali
karo oo uu xujjo u yahay Manaaqibta‫( المناقب‬oo ah ka warbixinta waxa fiican oo uu qofku
sameeyo iyo deeqaha uu dadka intiisa kale dheer yahay) iyo fadaa’isha (oo ah deeqaha uu dadka
intiisa kale dheeryahay), kuwaaso aan Axaadiith mawduuc ah loo daliil san karin”.
Al Xaafith bin Naasir/‫ الحافظ بن ناصر‬wuxuu yiri, oo uu gabay uu tiriyay ku yiri:
“Nin caalin ah oo faadil ah ayaa wuxuu ii sheegay inuu arkay Fatwo uu gacantiisa ku dhigay
Shaykhu Al Islaami (waana sheekha Islaamka) Ibnu Xajar/‫شيخ اإلسالم إبن حجر العسقالبن‬, uuna sidaas
ugu jawaabay, in kastoo uu Xadiithkaan uu wariyay Al Suhaylii/‫ السهيلي‬uusan Ibnu Al
Jawziyyi/‫ إبن الجوزية‬xusin, uuse Xadiith kale wariyay, sidaan usoo sheegnay, wuxuuna yiri:
“Imaamyadaasi waxay Xadiithkaan ka dhigeen mid naasikh/‫ ناسخ‬ah oo burinaya beddelayana
Xadiithka oranaya xukun khilaafsan xukunka Xadiithkaan ku sugan; waxayna sugeen inuu
Xadiithkaani ka dambeeyey kuwaas kale, oo ayan sidaas (Axaadiithtaasi) isku diideyn.”
Wuxuuna kitaabkiisa Al Duraju Al Muniifah/‫ الدرج المنيفة‬ku yiri:
292
“Waxay ka dhigeen Naasikh/‫ناسخ‬, oo dan kama ayan yeelan inuu daciif/‫ ضعيف‬yahay, ayadoo
Xadiithka daciifka ah fadaa’isha iyo manaaqibta loo isticmaalo oo ay xujjo yihiin, arrinkaanina
uu manaaqib yahay.”
Waxaa ku sii fogaaday Al Shihaabu Al Haythamii/‫الشهاب الهيتمي‬, oo kitaabkiisa Al Mawlidu/‫المولد‬
ku yiri, kaddib markuu xusay inuu Ibnu Kathiir/‫ إبن كثير‬yiri Xadiithkaani waa munkar:
“Ma aha sida uu yiri, oo xaafithka Shaam Ibnu Naasir/‫ إبن ناصر‬ayaa isaga (Ibnu Kathiir/‫)إبن كثير‬
ka sugan, Xadiithkaasna wuxuu yiri waa xasan, saxiix ka dhigiddiisana waxaaba uga horreeyey
Al Qurdhubii/‫القرطبي‬, oo sidaas raalli ku noqday oo yeelay, waxaana saxiix ka dhigay in mid ka
badan ee xufaadda qaarkood, kuwa isku keenay oo kulmiyay waxa caqli galka ah oo caqliga lagu
gaaro iyo waxa sugan oo la soo wariyay. Imaamkaas Shaam magaciisuna waa Al Xaafith Shamu
Al Ddiini Muxammad bin Naasiru Al Ddiini Abii Bakar Cabdu Allaahu bin Muxammad Al
Dimishqiyyi/‫الحافظ شمس الدين محمد بن ناصر الدين أبي بكر عبد هللا بن محمد الدمشقي‬, dhashayna sanadka
toddoba boqol iyo toddoba ito toddobaatan, la oofsadayna bisha Rabiicu Al Aakhar ee sanadka
sideed boqol iyo labo iyo afartan ee Hijriga.
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Waxa saxiix ah, oo ay saxiix ka dhigeen waa ku dhaqankiisa xagga ictiqaadka, in kastoo uu
daciif yahay, maxaa yeelay waa manaaqib, siduu Al Samhuudii/‫ السمهودي‬u yiri.”
Al Samhuudii/‫ السمهودي‬waa dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuuna ku abtirsadaa Al Xasan bin Faadhimah binti Rasuuli Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam/‫الحسن بن فاطمة بنت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬, magaciisuna waa Calii bin Cabdu
Allaahi bin Axmad Al Xasanii AL Shaaficii, Nuuru Al Diin Abuu Al Xasan ‫علي بن عبد هللا بن إحمد‬
‫الحسني الشافعي نور الجين أبو الحسن‬, ahaana caalinka taarikhda ee Al Madiinah Al Munawwarah iyo
Muftigeedaba. Wuxuu ku dhashay Samhuud/‫ السمهود‬ee ah magaalo miyiga Masar/‫ مصر‬ku taalla
sanadka sideed boqol iyo afar iyo afartan Hijriga wuxuuna ku koray Al Qaahirah/‫القاهرة‬,
wuxuuna degay oo uu ku dhintay Al Madiinah/‫ المدينة المنورة‬Sanadka sagaal boqol iyo kow iyo
toban Hijriga. Kutubbada badan oo uu dhigay waxaa ka mid ah midka aan taariikhda Al
Madiinah looga maarmin oo la yiraahdo Wafaa’u Al Wafaa bi akhbaari daari Al Musdhafaa ‫وفاء‬
‫الوفاء بأخبار دار المصطفى‬.
Dawladda Masar/‫مصر‬
Markaan kitaabkaan ka shaqaynayay waxaan kaloo galay internetka oo aan macluumaat dheeri
ah ka raadsaday. Waxaan galay Google.com.sa ee sucuudiga, markaasaan waxaan ku dhigay
Aaminah bintu Wahb/‫ آمنة بنت وهب‬oo af carabi ah. Markaasaa waxaa soo baxay bogag badan oo
Aaminah/‫ آمنة‬ka hadlaya. Bogaggaas waxaa ka mid ah (ejabat.google.com), aanna ka helay
qoraalkaan halkaan kusoo tarjumay.
Qoraalku wuxuu ka bilawdaa su’aal loo jeediyay Daaru Al Iftaa’ Al Misriyah/‫دار اإلفاء المصرية‬,
ahna Hay’adda Fatwada ee Masar ahna midda ka jawaabta su’aalaha diinta islaamka ku saabsan
oo loo soo bandhigo ayna leedahay Dawladda Masar, ninka madaxa ka ahna ay dawladdu
magacawdo. Su’aashu waxaa weeye:
“maxay tahay ciribta (ma janno mase naar?) Aaminah bintu Wahb/‫ آمنة بنت وهب‬Allaha ayadana
raalli ka noqdo waxay raalli ku noqotana Allaha siiyee?”
293
Jawaabta ay Daaru Al Iftaa’/‫ دار اإلفتاء‬bixisay waa sidatan:
Qoraagu wuxuu yiri: “Daaru Al Iftaa’ Al Misriyah/‫ دار اإلفتاء المصرية‬waxay doodda ku saabsan
ciribta labada waalid ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku
goysay oo ku aftootay inay “labadooduba badbaadeen oo ayan naarta ku jirin.”
Waxayna go’aankoodaas ku salaysay jawaabta ay ka bixiyeen arrinkaas culummo badan.
Hay’addaasu waxay hadana dib ugu laabatay baaridda waxa ka jira iyo run ahaanta warka
oranaya inay “labada waalid ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam gaalada ka mid yihiin oo ay naarta ku jiraan.”
Jawaabta Xohaynta hay’addaasu waa sidatan:
“labadooduba way badbaadeen naartana kuma jiraan.”
Culummadu waxay go’aankoodaas u daliilsadeen inay:
(Kow) labadooduba “Ahlu Al Fitrah/‫ ”أهل الفترة‬ka mid yihiin, ayagoo Bicthada/‫ البعثة‬horteed
dhintay oo qofka Bicthada horteed dhinta oo ayan dacwadu soo gaarin cathaab ma laha.
Sababtu waxaa weeye in qofka dhinta ayadoo ayan dacwadu soo gaarin uu badbaadayo, ayadoo
uu zamanka labadoodu noolaayeen aad uga dambeeyey zamanka Nabigii ugu dambeeyey, ahna
Sayyidunaa Ciise/‫ عيسى‬Calayhissalaamu.
Tan kale zamankay labadoodu noolaayeen waxaa dabooshay oo wada saameysay jaahilnimo (oo
waaba ayaduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam “Al
Jaahiliyah/‫ ”الجاهلية‬u bixiyay: xasanwali).
Labada waalid midkoodna sooma gaarin dacwooyinka Nabiyada Ilaahay ay dadka Ilaahay iyo
diinta islaamka ugu yeerayaan. Waxaa arliga oo idil ka jiray dad yar oo ay ka mid yihiin
axbaarta/‫ األحبار‬yuhuudda ee Shaam/‫ الشام‬iyo ghayrkoodba oo ay dacwooyinka Anbiyadu gaartay.
Labadooduna adduunkaan dhexdiisa kuma safrin oo kuma gadgaddoomin (si ay warkaas u
helaan: xasanwali).
Cumrigooduna ma raagin oo ma ayan helin fursad ay akhbaarta Anbiyada ku baaraan (oo Cabdu
Allaahi/‫ عبد هللا‬wuxuu dhintay isagoo sideed iyo toban jir ah, Aaminana/‫ آمنة‬waxay ka
dambeysay lix sano waxayna dhimatay ayadoo kow iyo labaatan jir ah: xasanwali).
Labadooduna kama mid ah caruurta Ciise/‫ عيسى‬iyo tolkiisa toona.
Sidaasaa waxaa ku cad inay “Ahlu Al Fitrah/‫ ”أهل الفترة‬ka mid yihiin skahi la’aan.
Qofka yiraahdana in Ahlu Fitrada/‫ أهل الفترة‬Siraadka korkiisa lagu imtixaanayana oo hadday
adeecaanna ay jannada gelayaan haddi kale ay tan kale ahaaneyso, jawaabtu waxaa weeye inay
culummadu sugeen oo dhigeen oo qoraalladoodu yaallaan inay labada waalid ee sharafta leh
haddii la yiraahdo waa la imtixaanayaa inay labadooduba ka mid yihiin kuwa adeecaya oo
daacadda laga helayo (oo sidaas jannada ku gelaya: xasanwali).
Al Xaafith Ibnu Xajar Al Casqalaanii/‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu yiri:
“waxaa labadoodaba loo malaynayaa oo lagu wadaa inay adeecaan marka la imtixaano”, siday
Daaru Al Iftaa’i‫ دار اإلفتاء‬ugu faafisay booggeeda electronigga ah shalay ma ahane darraadaadda
ka horreysey.
(Laba) Fatwadu waxay u daliil satay inay labadooduba badbaadayaan:
294
“labadoodaba laguma sheegin oo laguma sugin inay Ilaahay shariik u yeeleen oo gaalnimo lagu
arkay, balse waxayba ku taagnaayeen diinta xanafiyada ah, diinta awoowohood Ibraahiim /‫إبراهيم‬
Calayhissalaamu. Waxaana sidaasoo kale ayaguna ku aftooday culummo badan oo uu ka mid
yahay Al Fakhru Al Rraazii/‫ الفخر الرازي‬kuna dhigay kitaabkiisa “Asraaru Al Tanziili/‫أسرار التنزيل‬
(isaguna waa Fakhru Al Ddiini, al callaamah al kabiir funuunta badan leh Fakhru Al Ddiini
Muxammad bin Cumar bin Al Xusayn Al Qurashiyyi Al Bakriyyu ‫فخر الدين العالمة الكبير محمد بن عمر‬
‫– بن الحسين القرشي البكري‬oo ka mid ah weeye dhasha kuna abtirsada Abuu Bakr Al Ssiddiiqu ‫أبوبكر‬
/‫ الصديق‬Allaha raalli ka noqdee Al Dhabaraastaaniyyu /‫ الطبراستاني‬Al Usuuliyyu/‫ األصولي‬Al
Mufassar/‫ المفسر‬kabiiru al athkiyaa’i wa al xukamaa’i wa al musannifiina ‫كبير األذكياء والحكماء‬
/‫والمصنفين‬, wuuu dhashay sanadka hijriga ah ee shan boqol afar iyo afartan, diintana uu ka bartay
aabihiis Diyaa’u Al Ddiini khadhiibka Al Al Rraya‫ضياء الدين خطيب الري‬. Kutubbadiisa waxay ku
faafeen adduunka qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisa, caqli badni ayuuna la iftiimayay.
Wuxuuna dhintay sanadka lix boqol lix iyo lixdan hijriga. Waa intaas warkiisa aan kasoo
qaadannay Siyaru Aclaami Al Nubalaa’i ee Al Thahabii‫ سير أعالم النبالء للذهبي‬mujalladka lix iyo
toban bogga afar iyo konton.” Kutubbadiisa waxaa ka mid ah tafsiirkiisa ‘Tafsiiru Al Kabiir ‫تفسير‬
/‫”الكبير‬: xasanwali).”
Wayna sharaxday oo ayna tiri:
“ dariiqaas ay culummado martay waxay u daliilsadeen hadalka Ilaahay Tacaalaa\‫هللا تعالى‬:
ِ ِ ‫) وتََقلُّب َك ِفي الس‬518( ‫اك ِحين تَقُوم‬
َِّ
)519( ‫ين‬
َ َ
َ ‫َّاجد‬
ُ َ َ ‫الذي َي َر‬
“Allathii yaraaka xiina taquumu(218)Wa taqallubaka fii Al Ssaajidiina(219)”.
Oo macnohoodu yahay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isaga
gudbayay dhabarrada kuwa sujuudsan oo mu’miniinta ah, taasoo daliil u ah inayan aabayaalkiis
mushrikiin ahayn. Al Rrazii\‫ الرازي‬wuxuu yiri:
“Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"لم أزل أنقل من أصالب الطاهرين إال أرحام الطاهرات‬
“lam azil unqalu min aslaabi al dh-dhaahiriina ilaa arxaami al dh-dhaahiraati”
oo macnihiisu yahay:
“waxaa la isaga kay gudbinayay dhabarrada ragga daahiriinta ah iyo ilmo galeenka haweenka
daahiraatka ah.”
Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
‫ هللا‬wuxuu yiri:
‫ون َن َج ٌس‬
َ ‫إَِّن َما اْل ُم ْش ِرُك‬
“Innamaa al mushrikuuna najasun(28)”,
Waana Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Tawbah/‫ سورة التوبة‬oo macneheedu yahay:
“Gaaladu waa najaas(28)”.
295
Marka waxaa sidaas waajib ku noqoneysa inuusan axadna waa midnee awoowayaalkiis ka mid
ihi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gaal ahayn.” Waa intaas warka Al Rrazii
\‫الرازي‬.
Xoghaynta Daaru Al Iftaa’i/‫ دار اإلفتاء‬waxay kaloo diiday warka oranaya inay labadoodu ka khayr
badan yihiin mu’miniinta ayagoo gaalo ah, taasoo macneheedu yahay inay gaaladu ka khayr
badan yihiin mu’miniinta, waxayna ku dartay oo tiri:
“si aan uga baxno waxaan xaaraanta ah waxaa waajib ah inaan niraahno inay labadooduba
mu’miniin yihiin.”
(Saddex) Riwaayada saddexaad oo ay Daaru Al Iftaa’i/‫ دار اإلفتاء‬ku fariisisay oo ay aasaas uga
dhigtay inay labada waalid ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam badbaadeen waxaa weeye inuu Ilaahay Tacaalaa labadoodaba usoo nooleeyey oo ay
markaas rumeeyeen oo aamineen.”
Waxayna ku dartay inay dariiqaas u iisheen koox wayn ee xufaadda Xadiithka iyo ghayrkoodba,
ayna ka mid yihiin Al Khadhiibu Al Baghdaadii/‫( الخطيب البغدادي‬ahna al xaafith Abuu Bakr
Axmad bin Calii bin Thaabit/‫الحافظ أبو بكر أحمد بن علي بن ثابت‬, kutubbada badan allifay, imaamka
wayn oo arliga Shaam/‫ الشام‬Xadiith yaqaankooda ahaa iyo Ciraaq/‫عراق‬, midka cilmiga sugay oo
tifaftiray, cilmigana u leh Xadiithka saxiixa ah iyo midka buka..wuxuuna dhashay sanadka
hijriga ah ee saddex boqol laba iyo sagaashan…dad badan ayuu cilmiga ka qaatay…Al
Bukhaarii/‫ البخاري‬wuxuu shan maalmood gudohooda uga bartay Kariimah/‫ كريمة‬Makkah,
Ismaaciil Al Xayriina/‫ إسماعيل الحيرين‬saddex majlis dhexdooda…Wuxuu ku dhintay
Baghdaad/‫ بغداد‬sanadka afar boqol saddex iyo lixdan hijriga: intaas waxaa wariyay Al
Zarqaanii/‫الزرقاني‬. Kutubbadiisa waxaa ka mid ah “Taariikhu Baghdaad/‫ ”تاريخ بغداد‬oo
soddomeeyo mujallad ah: xasanwali), iyo ibnu Shaahiin/‫( إبن شاهين‬ahna siduu u sheegay Al
Zarqaanii/‫الزرقاني‬: “Abuu Xafs bin Shaahiin al xaafith al kabiir al imaamu faa’iidada badan leh
oo laga faaiidaystay Cumar bin Axmad bin Cuthmaan Al Baghdaadii ‫أبوحفص بن شاهين الحافظ الكبير‬
‫اإلمام عمر بن أحمد بن عثمان البغدبدي‬, lagu kalsoon yahay al ma’muun, allifay saddex boqol iyo soddon
kitaab uuna ka mid yahay “Al Tafsiiru Al Kabiir/‫ ”التفسير الكبير‬oo kun juz ah, iyo “Al
Musnadu/‫ ”المسند‬oo kun iyo saddex boqol oo juz ah, wuxuuna dhintay bisha Thuu Al Xijjah ee
sanadka saddex boqol shan iyo sideetan hijriga”. Waa intaas warkiisu.
Ibnu Shaahiin\‫ إبن شاهين‬wuxuu kaloo leeyahay kitaabka kale oo la yiraahdo “Al Naasikhu wa Al
Mansuukhu/‫ ”الناسخ والمنسوخ‬oo aan kitaabkeennaan ku arki doonno inshaa’a Allaahu: xasanwali),
iyo ibnu Al Munayyar/‫( إبن المنير‬ahna al qaadii qaalliga al callaamah al awxad oo isagoo kale
uusan jirin zamankiisa Naasiru Al Ddiini Axmad bin Muxammad bin Mansuur bin Qaasim bin
Mukhtaar Al Juthaamii Al Jarwii Al Iskandaraanii Al Maalikii ibnu Al Munayyar ‫القاضي العالمة‬
‫األوحد في زمانه ناصر الدين أحمد بن مخمد بن منصور بن قاسم بن مختار الجذمي الجروي اإلسكندري المالكي إبن المنير‬,
dhashayna lix boqol iyo labaatan hijriga kutubbo cajiib ahna allifay, ahaana qaalliga xuduudda
(gaalada roomaanka ah lala leeyahay) iyo khadhiibkeeda iyo caalinkeedaba; waxaana dhashay
walaasha sheekha Quraa’da Kamaalu Al Ddiini ibnu Faaris Al Tamiimii ‫شيخ القرآء كمال الدين إبن‬
‫فارس التميمي‬, siduu Al Thahabii/‫ الذهبي‬ugu wariyay mujalladka toddoba iyo tobnaad bogga saddex
boqol lix iyo labaatan ee Siyaru Aclaamu Al Nubalaa’i/‫سير أعالم النبالء‬: xasanwali), iyo Al
Muxibbu Al Dhabarii/‫المحب الطبري‬, iyo Al Qurdhubii/‫القرطبي‬, waxayna dhammaantood maridda
296
dariiqoodaas xujjo ka dhigteen axaadiith daciif ah, laakiin kor ugu soo kacaya ilaa ay ka gaaraan
darajada “Xasan/‫ ”حسن‬oo ah “suuban” marka la isku daro dariiqayada lagu kala wariyay.
Xoghaynta Daaru Al Iftaa’i/‫ دار اإلفتاء‬waxay baariddeeda ku gunaanadday ayadoo waano iyo
naseexo usoo jeedisay dhallinyarada hawsha dacwada ku mashquulsan waxayna tiri:
“Ilaahay uga dhawrsada oo uga cabsada ummadda hana ku xadgudbina ku dhawaaqidda axkaam
ka hor intaydnaan adinku garan oo baarin.”
Waa intaas warkaan boggaas kasoo qaadannay, magaca ku dhiganna waa Shariif Fawzii ‫شريف‬
‫ فوزي‬oo ay dhici kart inuu yahay ama ninka su’aasha waydiiyay ama midka bogga iska leh oo
noo soo guuriyay fatwadaas. Taariikhda boggaas ku dhiganna waa 11/09/2010.
297
Qaybta Afaraad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Aali Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
Ahlu Al Bayti
‫آل محمد صلى هللا عليه وعلى آله وسلم – أهل البيت‬
Waa kuwee oo yaa ka mid ah Aali Muxammadin, qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam?
Al Imaamu Al Sh-shaaficii\‫اإلملم الشافعي‬
Imaam Al Shaaficii\‫اإلمام الشافعي‬, Allaha raalli ka noqdee, oo dhintay sanadka laba boqol iyo
laba ee Hijriga, wuxuu kitaabkiisa Culuumu Al Quraani\‫علوم القرآن‬, uuna uruuriyay Al Imaamu
Al Bayhaqii‫ األمام البيهقي‬, Allaha u naxariistee, Juzka koowaad bogga sideed iyo sideetanaad ku
yiri:
"Ilaahay Jalla\‫ جل‬Thanaa'uhu\‫ ثناؤه‬wuxuu fardi ka dhigay in Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lagu salliyo, wuxuuna yiri:
ِ
ُّ ‫النبِ ِّي يا أَيُّها الَِّذين آَمُنوا‬
ُّ ‫إِ َّن اللَّه وم ًَلئِ َكتَه ي‬
ِّ ِ
" )56( ‫يما‬
َ ‫صل‬
َ
َ ُُ
َ َ َّ ‫ون َعلَى‬
‫صلوا َعلَْيه َو َسل ُموا تَ ْسل ا‬
َ َ
ََ َ
Inna Allaaha wa Malaa'ikatahu yusalluuna calla Al Nabiyyi yaa ayyuhaa allathiina
aamanuu salluu calayhi wa sallimuu tasliiman(56)."
Aayadda oo ku jirta Suuratu Al Axzaab\‫ سورة األحزاب‬macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay iyo Malaa'iktiisu waxay ku sallinayaan Nabiga, ee kuwa iimaanka laga helayow ku
salliya korkiisa, kaddibna salaan salaama(56)."
Fardigaas in lagu salliyana meel ay uga habboon tahay Salaadda dhexdeeda ma jirto, marka la
tukanayo, daliilkeedana waxaan ka helay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
sidaan usoo sifeeyey inay in Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu salliyo ay
Salaadda dhexdeeda fardi ku tahay. Wa Allaahu aclamu."
Wuxuu Imaam Al Shaafici\‫ اإلمام الشافعي‬kitaabkiisa Al Ummu\‫األم‬, mujalladka koowaad bogga
laba boqol iyo sideed iyo labaatan uga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabaas \‫عبد هللا إبن عباس‬,
Allaha raalli ka wada noqdee, inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Tashahhudka\‫( التشهد‬Attaxyaadka)
noo bari jiray si la mid ah siduu Quraanka noo bari jiray oo kale".
Imaam Muslim-na\‫ اإلمام مسلم‬waa waraiyay. Waana ayada marka Attaxyaadka la akhriyo, hadana
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu salliyo oo la salaamo.
298
Wuxuu Muslim\‫ مسلم‬Xadiithkiisa saddex boqol iyo afar iyo sideetan ku wariyay inuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"من صلى علي صالة صلى هللا عليه بها عشرا‬
"Man sallaa calayya salaatan sallaa Allaahu calayhi bihaa cashran."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qofkii mar aniga igu salliya, Ilaahay wuxuu daraadeed ugu salliyaa toban salaadood".
Salaadda uu Ilaahay addoonkiisa Muslinka ah ku salliyana macneheedu waxaa weeye naxariis uu
u naxariisto iyo danbigiisa oo uu dhaafo. Erayga Salaad halkaas ayuuba ka yimid, oo macnihiisu
waa Alle Bari, oo soo ma aragtid in intaad tukaneysidba aad Ilaahay baryeysid oo aad wax
weydiisaneysid, sida markaad Faataxada akhrineysid oo aad Ilaahay ka baryeysid taageero (oo
aad leedahay Wa Iyyaaka Nastaciinu\‫ )وإياك نستعين‬iyo inuu dariiqa toosan kugu hanuuniyo?
Al Shaaficii\‫الشافعي‬, Allaha u naxariistee, oo hadalkiisa uu kitaabkiisa Culuumu Al Quraani ‫علوم‬
\‫ القرآن‬ku yiri sii wata wuxuu yiri:
"Waxaan dariiqaas u qaaday, oo aan sidaas u iri (oo erayga math-hab\‫ مذهب‬halkaasuuba ka yimid,
oo waa dariiq la qaado oo eraygu wuxuu ka bilowdaa miim\‫ م‬oo tilmaamaya qofka iyo
Thahaba\‫ ذهب‬oo ah waa aaday) anigoo arkay inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, marka hore
Isagu iska bilaabay ku sallinta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddibna uu
Mu'miniinta ku amray inay ayaguna ku salliyaan", sidaan Aayadda lix iyo kontonaad ee Suuratul
Axzaab‫ سورة األحزاب‬ugu soo aragnay."
Wuxuu Ilaahay xusay kuwuu khalqigiisa ka doortay, kaddibna wuxuu shaaca ka qaaday oo uu
dadka ogeysiiyay inay Anbiyadiisa yihiin (Wa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo Anbiyada kale oo idil). Kaddibna wuxuu xusay kuwa uu qoysaskooda doortay,
wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa Anbiyadiisa u hoggaansan oo raacsan, wuxuuna, Tacaalaa,
Aayadda saddex iyo soddonaad ee Suuratu Aali Cimraana\‫ سورة أل عمران‬ku yiri:
ِ
ِ َ ‫اهيم وآ‬
ِ ِ َ ‫َدم وُنوحا وآ‬
َّ
)22( ‫ين‬
َ ‫ان َعلَى اْل َعالَم‬
َ ‫َل ع ْم َر‬
ْ َ‫إِ َّن الله‬
َ َ ‫َل إ ْب َر‬
َ ‫اصطَفَى آ َ َ َ ا‬
"Inna Allaaha Isdhafaa Aadama wa Nuuxan wa Aala Ibraahiima wa Aala Cimraana calaa
al caalamiina(33)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu caalamiinta ka doortay Aadan\‫ آدم‬iyo Nuux\‫ نوح‬iyo qoyska Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo
qoyska Cimraan\‫(عمران‬33)."
Marka, Xadiithka Abii Mascuud\‫ أبي مسعود‬oo aan soo aragnay wuxuu sheegay inuu xusay ku
sallinta Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Aali Muxammad\‫آل محمد‬, oo
ah qoyskiisa, taasoo shabbahda oo u eg macnaha Kitaabka (oo ah Aayadda saddex iyo
soddonaad ee Suuratu Aali Cimraana\‫ سورة آل عمران‬oo aan kor ku soo sheegnay)".
299
Al Shaafici\‫الشافعي‬, oo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri:
"Aniguna waxaan jeclahay inaan Aali Muxammad‫آل محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
soo dhex geliyo haweenkiisa iyo ubadkiisa, si loo helo wixii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, laga wariyay."
Wuxuuba Al Bukhaarii\‫ البخاري‬Abuu Xumayd Al Saacidii\‫ أبو حميد الساعدي‬ka wariyay inuu yiri:
"Waxay yiraahdeen: Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sidee baan kuugu
sallinnaa? wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫" قولوا اللهم صلي على محمد وأزواجه وذريته كما صليت على آل إبراهيم وبارك على محمد وأزواجه‬
".‫وذريته كما باركت على إبراهم إنك حميد مجيد‬
"Quuluu (waxaad tiraahdaan) Allaahumma salli calaa Muxammadin wa azwaajihi wa
thurriyatihi kamaa sallayta calaa Aali Ibraahiima wa baarik calaa Muxammadin wa
azwaajihi wa Thurriyatihi kamaa baarakta calaa Ibraahiima Innaka Xamiidun Majiidun."
Xadiithkaan oo ah midka lix kun iyo saddex boqol iyo lixdan ee Al Bukhaarii \‫ البخاري‬iyo
Xadiithka afar boqol iyo toddoba ee uu Muslim\‫ مسلم‬wariyay, macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahayow ku salli Muxammad‫ محمد‬korkiisa iyo haweenkiisa korkooda iyo dhashiisa korkooda
sidaad ugu salliday qoyska Ibraahiim\‫إبراهيم‬, barakeena Muxammad‫محمد‬
korkiisa iyo
haweenkiisa korkooda iyo dhashiisa korkooda sidaad u barakeysay qoyska Ibraahiim Adigu
waxaad tahay mid lagu wada Xamdiyo‫ حميد‬oo Wayne‫ مجيد‬."
Al Shaaficii\‫ الشافعي‬wuxuu yiri:
"Haddii ninka qoyskiisa lagu tiriyo ilmaha uu isagu dhalay oo isaga ku abtirsada iyo inta
gurigiisa ku hoyata oo ah xaasaskiisa, ama kuwa midigtiisa ku jira oo uu isagu leeyahay, ama
mawle isaga la xiriirsan ama caruur uu ciyaalkiisa ku soo biiriyay (uusanse isagu dhalin), ayna
ka mid yihiin qaar qaraabadiisa ah oo uga timid xagga aabihiis, ayanse ku jirin qaraabadiisa uga
timid xagga hooyadiis, qaraabannimana ay kulmiso qaar ka mid ah qaraabada xagga aabihiis,
qaarkoodna ayan qaraabannimo ka dhexeyn. Marka hadday xaaladdu sidaas tahay, ma ayan
bannaana in wuxuu Ilaahay doonayo, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, kaddibna Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu doonayo (oo ah Aali Muxammad‫ )آل محمد‬loo isticmaalo
wixii Sunnada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugnaatay mooyee,
taasoo ah inuu (Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) yiri:
".‫ وإن هللا حرمها علينا الصدقة وعوضنا منها الخمس‬،‫"إن الصدقت ال تحل لمحمد وال آلل محمد‬
"Inna al sadaqata laa taxillu li Muxammadin wa laa li Aali Muxammadin, wa inna Allaaha
xarramahaa calaynaa al sadaqata wa cawwadanaa minhaa al Khumusa."
Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye:
"Sadaqadu (oo ah maalka zakada maalka laga soo aruuriyay) Muxammad‫ محمد‬xalaal uma aha,
qoyska Muxammadna‫آل محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xalaal uma aha, oo Ilaahayna
korkeenna sadaqada waa xaaraantimeeyey, wuxuuna cawil celin nooga dhigay Khumuska\‫الخمس‬
(oo ah maalka gaalada dagaal hubaysan looga soo furto marka shan meelood loo dhigo meel)."
300
Taasi waxay tilmaantay inay yihiin Aali Muxammad\‫ أل محمد‬kuwa uu Ilaahay ka
xaaraantimeeyey sadaqada, uuna khumuska cawil celin uga dhigay." Waaba ayada uu Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda kow iyo afartanaad ee Suuratu Al Anfaali\‫ سورة األنفال‬ku yiri:
ِ ‫ول ولِِذي اْلقُربى واْليتَامى واْلمس‬
ِ َِّ َّ ‫اعلَموا أََّنما َغنِمتُم ِمن َشي ٍء فَأ‬
ِ ِ‫السب‬
ِ
ِ
ِ ‫اك‬
‫يل‬
َّ ‫ين َو ْاب ِن‬
َ َ َ َ َ َ َْ
َ ُ ْ ‫َو‬
َ ‫َن لله ُخ ُم َسهُ َول َّلر ُس‬
ْ ْ ْ ْ
"Wa aclamuu annamaa ghanimtum min shay'in fa anna Lillaahi khumusahu wa lil
Rrasuuli wa lithii al qurbaa wa al yataamaa wa al masaakiina wa ibni al ssabiili(41)".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ogaadana waxaad ghaniimeysataan inuu Ilaahay shan meelood meel leeyahay, iyo Rasuulku,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo qaraabada (Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam),
iyo agoonta iyo masaakiinta iyo kuwa socdaalka ah."
Imaam Al Shaaficii\‫الشافعي‬, Allahau u naxariistee, wuxuu sii yiri:
"Waxaa taas daliil u ah inuusan jirin arrin dambiga gooya, culummadana waajib ku ah inay
qaataan (wa Allaahu aclamu) oo aan ahayn Xadiithka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Marka, markuu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa ku
fardi yeelay in qaraabada xaqqeeda la siiyo, uuna u sheegay inuu Ilaahay Khumus \‫الخمس‬
leeyahay iyo Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo qaraabada, wuxuu (Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) sahmigii qaraabada siiyay reer Banii Haashim ‫بني‬
\‫ هاشم‬iyo reer Al Mudh-dhalib\‫بني المطلب‬, taasna waxay daliil u noqotay inay kuwa uu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khumuska‫ الخمس‬siiyay ay yihiin Aali Muxammadin ‫آل‬
\‫ محمد‬oo ah kuwa uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amray in korkooda
isaga lagula salliyo, ahna kuwa (uu Ilaahay) khalqigiisa ka doortay, Nabigiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kaddib, siduu ugu yiri Aayadda saddex iyo soddonaad ee Suuratu Aali
Cimraana\‫سورة آل عمران‬:
ِ
ِ َ ‫اهيم وآ‬
ِ ِ َ ‫َدم وُنوحا وآ‬
َّ
)22( ‫ين‬
َ ‫ان َعلَى اْل َعالَم‬
َ ‫َل ع ْم َر‬
ْ َ‫إِ َّن الله‬
َ َ ‫َل إ ْب َر‬
َ ‫اصطَفَى آ َ َ َ ا‬
"Inna Allaaha Isdhafaa Aadama wa Nuuxan wa Aala Ibraahiima wa Aala Cimraana calaa
al caalamiina(33)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu caalamiinta ka doortay Aadan\‫ آدم‬iyo Nuux\‫ نوح‬iyo qoyskii Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo
qoyska Cimraan\‫(عمران‬33)."
Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, isla markaasna wuxuu ka tirsan yahay
Qoyska Ibraahiim‫إبراهيم‬, oo waaba awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Sidaas ayuu Ilaahay shaaca ka qaaday inuu marka hore Anbiyada (khalqigiisa) ka doortay,
Calyhimussalaamu, ayaga dabadoodna uu qoysaskooda doortay."
Imaam Shaafici\‫ اإلمام الشافعي‬wuxuu yiri Aali Muxammad\‫ آل محمد‬waa:
301
Kow. Dhasha Haashim\‫بني هاشم‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowaha aabihiis.
Labo. Ubadka Al Mudh-dhalib\‫بني المطلب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowihiis Haashim\‫ هاشم‬walaalkiis.
Saddex. Hooyooyinka Mu'miniinta\‫أمهات المؤمنين‬, haweenka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Afar. Dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam (oo ah Ashraafta).
Imaam Al Sh-shaaficii\‫ اإلمام الشافعي‬wuxuu kaloo daliil ka dhigtay Xadiithka soo socda oo uu Al
Bukhaarii\‫ البخاري‬Jubayr bin Mudhcim\‫ جبير بن مطعم‬ka wariyay.
Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬. Imaam Al Nawawii\‫ النووي‬sidaas ayuu
isaguna kitaabkiisa Al Majmuuc\‫ المجموع‬ku sugay, Mujalladka saddexaad baabka ku sallinta
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka Attaxyaadka loo fadhiyo, bogga afar boqol iyo
toddoba iyo labaatan iyo inta ka dambeysa.
Wuxuu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬Jubayr bin Mudhcim\‫جبير بن مطعم‬, Allaha raalli ka noqdee, ka
wariyay inuu yiri: (waana markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ghaniimadii
Khaybar\‫ غنيمة خيبر‬oo yuhuudda laga furtay qaybinayey):
"Cuthmaan bin Caffaan\‫ عثمان بن عفان‬iyo aniga ayaa is raacnay (markaasaan Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam aan u tagnay) waxaanna niri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Banii Al Mudh-dhalib\‫ بني المطلب‬ayaad siisay, annagana waad naga
tagtay, ayadoo annaga iyo ayagu aan kuu wada simannahay (oo reer Al Mudh-dhalib\‫المطلب‬
waxaa dhalay Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬, Cuthmaan bin Caffaanna\‫ عثمان بن عفان‬waxaa u awoowe
ah Haashim\‫ هاشم‬walaalkiisii mataankiisa ahaa Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf ‫عبد شمس بن عبد‬
\‫مناف‬: saddex walaalo ah oo kala ah Haashim bin Cabdi Manaaf\‫ هاشم بنةعبد مناف‬iyo Cabdu
Shams bin Cabdi Manaaf\‫ عبد شمس بن عبد مناف‬iyo Al Mudh-dhalibu bin Cabdu Manaaf ‫المطلب بن‬
\‫ عبد مناف‬ayaa kala dhalay)".
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"إنما بنو هاشم وبنو المطلب شئ واحد‬
"Innamaa Banuu Haashim wa Banuu Al Mudh-dhalib shay'un waaxidun",
oo macnihiisu yahay:
"Ilma Haashim‫ بنو هاشم‬iyo ilmaha Al Mudh-dhalib‫ بنو المطلب‬waa shay waaxid ah (oo waa
mid, culummada qaarkoodna waxay sheegeen inay labadaas jilib islaamka hortiisba heshiis sir ah
lahaayeen, wa Allaahu Aclamu\‫هللا أعلم‬.)".
302
Imaam Muslim\‫ إمام مسلم‬wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Rabiicata ibnu Al Xaarith ‫عبد المطلب‬
‫بن ربيعة إبن الحارث‬, oo uu awoowe u yahay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫الحارث بن عبد المطلب‬, ka wariyay inuu yiri:
"Waxaa isku yimid Rabiicatu bin Al Xaarith\‫( ربيعة بن الحارث‬oo ah Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ina adeerkiis laxmi ah) iyo Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫العباس بن‬
‫( عبد المطلب‬oo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis ah), waxayna yiraahdeen:
"wa Allaahi haddaan labadaan wiil -oo waxay ka wadaan aniga iyo Al Fadlu bin Al
Cabbaas‫الفضل بن العباس‬, oo ay labadoodu kala dhaleen- Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u dirno oo ay la hadlaan, oo uu maalka Zakada amiirro uga dhigo oo uu u
xilsaaro, oo ay dadka kasoo uruuriyaan oo ay markaas Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u keenaan siday kuwa (ragga) kaleba u keenaan, oo markaas wax laga siiyo sida kuwa
kaleba Zakaday soo uruuriyaan looga siiyo."
Wuxuu yiri:
"Ayagoo halkaas maraya ayaa waxaa labadooda u yimid Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬,
Allaha raalli ka noqdee, oo soo hor istaagay. Markaasey isagana arrinkaas u xuseen. Markaasuu
Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬wuxuu yiri:
"Ha yeelina, oo wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan yeeleyn."
Markaasuu Rabiicatu bin Al Xaarith\‫ ربيعة بن الحارث‬xaggiisa u jeestay oo uu yiri:
"wa Allaahi\‫ وهللا‬inaadan taas u yeeleyn waxaan ahayn xaasidnimo aad noo qabtid, oo wa
Allaahi‫ وهللا‬waxaad ku liibaantay oo aad heshay soddognimada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, taasoo aanan annagu kugu xasdin."
Markaasuu Cali\‫ علي‬wuxuu yiri:
"Hadaba u dira."
Markaasey labada wiil dhaqaaqeen, Calina\‫ علي‬uu sariir dul seexday.
Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salaadda Duhur
tukaday, ayaan qolka uga hormarnay, oo aan agtiisa taagneyn ilaa uu ka yimaado. Markaasuu
labada dhegood naga qabtay, kaddibna wuxuu yiri:
".‫"أخرجا ما تصرران‬
"Akhrijaa maa tusarriraani" (oo ah saadka shiinka ku xigah), oo macneheedu yahay "Soo
saara hadalka aad laabihiina ku kaydiseen, oo aad ku uruuriseen, ama ku siraysateen."
Kaddibna qolkuu galay, annaguna waan u galnay, isagoo maalintaas Zaynab bintu Jaxsh ‫زينب بنت‬
‫ جحش‬agteeda (gurigeeda) ahaa.
Wuxuu yiri:
"Markaasuu midkeenba kan kale ku yiri hadal. Markaasuu midkeen hadlay, wuxuuna yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adigaa dadka ugu fiican oo ugu
baarrisan, riximkana ugu xiriirin badan, annaguna waxaan gaarnay da'da guurka. Marka waxaan
kuugu nimid inaad noo xilsaartid soo uruurinta qaar ka mid ah maalka Zakada, oo aan markaas
kuu keenno, siduu dadku u keeno oo kale, waxna aan uga helno, siduu dadku wax uga helo oo
kale."
303
Wuxuu yiri: waqti dheer ayuu aamusnaa, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ilaa aan ka damacnay
inaan mar kale la hadalno. Wuxuu yiri: Markaasey Zaynab\‫ زينب‬Xijaabka gadaashiisa nooga
tilmaantay "Ha hadlina".
Wuxuu yiri: Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ أدعوا لي محمية ونوفل بن الحارث بن عبد‬.‫ إنما هي أوساخ الناس‬،‫"إن الصدقة ال تنبغي آلل محمد‬
".‫المطلب‬
"inna al ssadaqata laa tanbaghii li Aali Muxammadin, innamaa hiya awsaakhu al nnaasi.
Udcuu lii Maxmiyata wa al Nawfala bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Zakadu uma bannaana qoyska Muxammad‫ محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ayadu
waa wasakhda dadka. Iigu yeera Maxmiyata (oo u xilsaarnaa oo hayey maalka Khumuska) iyo
Nawfal bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫"نوفل بن الحارث بن عبد المطلب‬. Zakadu waa
wasakhda dadka macneheedu waxaa weeye inay daahiriso oo ay dhaqdo maalkii laga bixiyo,
siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ugu yiri Aayadda boqol iyo
saddexaad ee Suuratu Baraa'ah\‫سورة براءة‬:
ِ
ِ َّ
ِ
ِ
ِّ
)102( ‫يم‬
َ ‫ص ِّل َعلَْي ِه ْم إِ َّن‬
َ ‫ص َدقَةا تُطَهُِّرُه ْم َوتَُزكي ِه ْم بِهَا َو‬
َ ‫ُخ ْذ م ْن أ َْم َوال ِه ْم‬
ٌ ‫ص ًَلتَ َك َس َك ٌن لَهُ ْم َواللهُ َسميعٌ َعل‬
"Khuth min amwaalihim sadaqatan tudhahhiruhum wa tuzakkiihim bihaa(103)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ka qaad xoolohooda xaggooda
nadiifineysid(103)."
sadaqo (Zakada) oo aad ku daahirineysid, kuna
Wuxuu yiri:
"Markaasey u yimaadeen (waa Maxmiyat\‫ محمية‬iyo Nawfal bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudhdhalib\‫) نوفل بن الحارث بن عبد المطلب‬.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu Maxmiyata ku yiri:
".‫"أنكح هذا الغالم إبنتك‬
"Ankix haathaa al ghulaama ibnataka"
oo ah:
"Wiilkaan gabadhaada ku nikaax- wiilkuna waa Al Fadlu ibnu Al Cabbaas\‫ الفضل بن العباس‬-"
Markaasuu ku nikaaxay.
Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nawfal bin Al Xaarith\‫نوفل بن الحارث‬
yiri:
ku
".‫"أنكح هذا الغالم إبنتك‬
304
"Ankix haathaa al ghulaama ibnataka"
oo ah:
"Wiilkaan gabadhaada ku nikaaxi", wiilkuna waa aniga. Markaasuu igu nikaaxiyay.
Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Maxmiyata\‫ محمية‬ku yiri:
".‫"أصدق عنهما من الخمس كذا وكذا‬
"Asdiq canhumaa mina Al Khumusi kithaa wa kithaa"
oo macneheedu yahay:
"Meher ahaan labadaba intaas iyo intaas Al Khumusi\‫ الخمس‬uga bixi".
Al Zuhriyyi\‫الزهري‬, oo uu Xadiithkaan Maalik\‫ مالك‬ka wariyay wuxuu yiri:
"Meherku intuu ahaa iima magacaabin". Waana Xadiithka Muslim\‫ مسلم‬ee kun iyo laba iyo
toddobaatan.
Marka dadka aan maalka Zakada cuni karin, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
qaraabadiisa ah, sida labadaan wiil oo kale, waxay ka tirsan yihiin Aali Muxammad\‫آل محمد‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu kaloo na baray siyaalo kale oo
badan oo loogu salliyo, oo la wada yaqaanno, waxaana ka mid ah Xadiithkaan uu Al
Bukharii\‫ البخاري‬ka wariyay Kacbu ibnu Cujrata\‫كعب بن حجرة‬:
‫"اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم وبارك على محمد وعلى آل محمد كما‬
".‫باكت على إبراهم وعلى آل إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد‬
"Allaahumma salli calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa)
Muxammadin kamaa sallayta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa)
Ibrahiima
wa baarik calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa) Muxammaden
kamaa
baarakta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa) Ibrahiima fii al
caalamiina
Innaka Xamiidun Majiidun".
Waana Xadiithka lix kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo konton ee Al Bukhaarii \‫البخاري‬, oo
macnihiisu yahay:
"Ilaahyow ku salli (oo ah u naxariiso darajadiisa jannada kor usii qaad) (sayyikeenna) Muxamad
‫ محمد‬iyo qoyska (Sayyidkeenna) Muxammad‫ محمد‬sidaad ugu saaliday (Sayyidkeenna Ibraahiim
‫إبراهيم‬iyo qoyska (Sayyidkeenna) Ibraahiim‫ إبراهيم‬, barakeena oo barako kusoo shub korka
(Sayyidkeenna) Muxammad‫ محمد‬iyo Qoyska (Sayyidkeenna) Muxammad‫ محمد‬idaas ugu
shubtay korka (Sayyidkeenna) Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo aoyska (Sayyidkeenna) Ibraahiim‫ إبراهيم‬.
Adigu waxaad tahay Midka lagu Mahdiyo oo Weyn‫ حميد مجيد‬."
Abii Mascuud Al Ansaarii\‫ أبي مسعود األنصاري‬wuxuu yiri:
305
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa noo yimid annagoo joognay majliska
Scad bin Cubaadah\‫سعد بن عبادة‬, markaasuu Bashiir bin Sacd‫ بشير بن سعد‬wuxuu ku yiri:
"Ilaahay wuxuu na amrya inan kugu sallinno Rasuulka Ilaahyow, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, e sidee baan kuugu sallinnaa?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aamusay ilaa heer aan ka
jeclaannayba inuusa su'aashaba weydiin! Kaddibna Rasuulka Ilahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu yiri:
‫" قولوا اللهم صلى على محمد وعلى آل محمد كما صليت على آل إبراهيم وبارك على محمد وعلى آل محمد‬
".‫كما باركت على آل إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد‬
"Quuluu: Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa Aali Muxammadin kamaa
sallayta calaa Aali Ibraahiima, wa baarik calaa Muxammadin wa calaa Aaali
Muxammadin kamaa baarakta calaa Aali ibraahiima, fii al caalamiina Innaka xamiidun
Majiidun. Wa Al Ssalaamu kamaa qad calimtum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaad tirahdaan: "Ilaahyow ku salli Muxammad‫( محمد‬oo macneheedu yahay u naxariiso
darajadiisa jannada kor u sii qaad) iyo qoyska Muxammad‫ محمد‬sidaad ugu salliday qoyska
Ibraahiim‫ إبراهيم‬, barakeena Muxammad‫ محمد‬korkiisa iyo qoyska Muxammad‫ محمد‬sidaas u
barakaysay qoyska Ibraahiim‫ إبراهيم‬. Adigu waxaad tahay Midka lagu Mahdiyo oo Weyn ‫حميد‬
‫مجيد‬." Waana Xadiithka afar boqol iyo shan ee Muslim\‫مسلم‬.
Waa intaas warka Al Sh-shaaficii\‫الشافعي‬.
Al Imaamu Al Shaaficii\‫ اإلمام الشافعي‬wuxuu ka mid yahay Aali Muxammad\‫آل محمد‬, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo wuxuu ku abtirsadaa Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf ‫المطلب بن‬
‫عبد مناف‬, awoowihiisa loo nisbeeyo Shaafic bin Al Ssaa'ib bin Cubayd bin Cabda Yaziid bin
Haashim bin Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf bin Qusayy ‫شافع بن السائب بن عبيد بن عبد يزيد‬
‫ بن هاشم بن المطلب بن ىعبد مناف بن قصي‬wuxuu ahaa saxaabi, waxayna qayb ku lahaayeen oo la
siin jiray khuuska ghaniimada.
Zaynu Al Caabidiina\‫زين العابدين‬
Kitaabka la yiraahdo Fadlu Aala Al Bayti\‫ فضل آل البيت‬waxaa allifay Abuu Al Cabbaas Al
Xusaynii Al Cubaydii Axmad bin Calii bin Cabdu Al Qaadir ibnu Muxammad Taqiyyu Al
Ddiini Al Maqriizii ‫أبو العباس الحسيني العبيدي أحمد بن علي بن عبد القادر إبن محمد تقي الدين‬
\‫المقريزي‬, taariikh yahanka arliga Masar\‫مصر‬, asalkiisuna uu yahay gobolka Bacalbak\‫ بعلبك‬ee
Lubnaan\‫لبنان‬, looma nisbeeyey tuulada Al Maqaarizah\‫المقارزة‬, siduu Al Zereklee\‫الزركلي‬
wariyay.
Wuxuu ku dhashay, wax ku bartay kuna dhintay Al Qaahirah\‫القاهرة‬, arliga Masar\‫مصر‬, halkaasoo
uu xilal badan oo diini ah ka qabtay, sida Imaamnimada, Khadhiibnimada iyo kuwo kaleba.
Sanadka sideed boqol iyo toban wuxuu tegey Dimishiq\‫ دمشق‬isagoo uu la socdo wiilkiisa Al
Naasir\‫الناصر‬, halkaasoo loogu soo jeediyey inuu Qaallinnimada Dimishiq qabto, uuna diiday.
306
Wuxuu noolaa inta u dhexeysa toddoba boqol iyo lix iyo toddobaatanka ilaa sideed boqol iyo
shan iyo afartanka Hijriga ah, una dhigantah kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan ilaa kun
iyo afar boqol iyo kow iyo afartan miilaadiga. Ilaa laba boqol oo kutub ayuuna allifay. Al
Maqriizii waa dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ku abtirsada
Al Xusayn bin Faadhimah‫الحسين بن فاطمة‬, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam.
Kitaabkaan waxaa lagu faafiyay oo daabacay Daaru Al Ictisaami \‫ دار اإلعتصام‬ee ku taalla Bayruut
dalka Lubnaan sanadka kun saddex boqol laba iyo soddon Hijriga una dhiganta kun sagaal boqol
laba iyo toddobaatan Miilaadiga.
Kitaabka waxaa xaqiijiyay faallana ku daray Doktoor Muxammad Axmad Caashuur ‫محمد أحمد‬.‫د‬
‫عاشور‬. Waana kitaab yar oo qiimo badan oo boqol kow iyo toban bog ka kooban.
Al Maqriizii\‫( المقريزي‬bogga toddoba iyo labaatan) wuxuu wariyay inuu Al Ssuddiyyu \‫ السدي‬ka
wariyay Abii Al Ddaylam\‫ أبي الديلم‬inuu yiri:
“Calii bin Al Xusayn\‫( علي بن الحسين‬waana Zaynu Al Caabidiina\‫ زين العابدين‬ninka kali ah oo
ubadka Al Sh-dhahiidu Al Xusaynu\‫ الشهيد الحسين‬ka badbaadiyay marka Ahlu Al Baytka ‫أهل‬
\‫ البيت‬lagu laayay Karbalaa’\‫ كربالء‬ee dalka Ciraaq\‫عراق‬, waana taabicii, uuna laayay Yaziid bin
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan bin Xarb bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf ‫يزيد‬
‫ )بن معاوية بن أبي سفيان بن حرب بن أمية بن عبد شمس بن عبد مناف‬Allaha u naxariistee wuxuu nin reer
Shaam ah ku yiri: “miyaadan ka akhrin Al Axzaab
ِ ِ َّ ُ ‫? إَِّنما ي ِر‬
)22( ‫ير‬
‫ط ِه اا‬
ِّ ‫ب َع ْن ُك ُم‬
ْ َ‫طهِّ َرُك ْم ت‬
َ ‫َه َل اْل َب ْي ِت َوُي‬
ْ ‫الر ْج َس أ‬
َ ‫يد اللهُ لُي ْذه‬
ُ َ
Wuxuu yiri:
“kuwaasu ma adinkaa?”
Wuxuu yiri:
“haa.”
Wuxuu kaloo bogga kow iyo toddobaatan ku yiri:
“Al Ssuddiyyu\‫ السدي‬wuxuu Abii Al Ddaylam\‫ أبي الديلم‬ka wariyay inuu yiri:
“Marka Calii bin Al Xusayn\‫ علي بن حسين‬oo qafaal ah (oo xirxiran) la mariyay lana istaajiyay
dariiqyada Dimishaq\‫ دمشق‬ayuu nin reer Shaam\‫ الشام‬ah wuxuu ku yiri:
“al xamdu li Allaahi\‫ الحمد هلل‬Midka idin laayay, xididdana idiin siibay fitnadana madaxa ka
gooyey.”
Markaasuu Calii\‫ علي‬wuxuu ku yiri:
“Adigu Quraanka ma akhriday?”
Wuxuu yiri:
“haa.”
Wuxuu yiri:
“hadaba ma akhriday Aali Xaa Miim\‫”?آل حم‬
Wuxuu yiri:
“Quraanka waa akhriyay kumana arag Aali Xaa Miim\‫أل حم‬.”
Wuxuu yiri:
“ma akhriday
)32(‫َج اار إِ ََّل اْل َم َوَّدةَ ِفي اْلقُ ْرَبى‬
ْ ‫َسأَلُ ُك ْم َعلَْي ِه أ‬
ْ ‫ُق ْل ََل أ‬
307
“Qul laa as’alukum calayhi ajran illaa al mawaddata fii al qurbaa(23)”
Waana Aayadda saddex iyo labaatan ee Suuratu Al Sh-shuuraa\‫ سورة الشورى‬oo macneheedu
yahay:
“waxaad ku tiraahdaa waxaan aan idiinku yeerayo (ahna diinta islaamka) ijaar idiinkama rabo,
waxaan ahayn inaad qaraabinnamada naga dhexeysa aad igu ilaalisaan, iguna jeclaataan
qaraabadaydana aad jeclaataan oo ilaalisaan(23).”
Al Baghawii\‫البغوي‬: Xadiithka Zayd bin Arqam\‫حديث زيد بن أرقم للبغوي‬
Al Baghawii\‫ البغوي‬tafsiirka Aayaddaan aan soo sheegnay wuxuu yiri:
“Zayd bin Arqam\‫ زيد بن أرقم‬ayaa waxaa la waydiiyay: “waa kuwee Ahlu Baytku \‫”?أهل البيت‬
Wuxuu yiri:
“waxaa weeye Calii\‫ علي‬qoyskiisa iyo Caqiil\‫( عقيل‬bin Abii Dhaalib\‫ بن أبي طالب‬Calii\‫علي‬
walaalkiisa ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin) qoyskiisa, iyo Jacfar (bin Abii Dhaalib oo ah
Calii walaalkiis ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin)\‫ جعفر بن أبي طالب‬qoyskiisa iyo Cabbaas
‫ العباس‬reerkiisa.”
Intaasba waa adeerrada iyo ilmo adeerrada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam, waana caruurta Haashim bin Cabdu Manaaf\‫هاشم بن عبد مناف‬.
Al Thaclabii\‫الثعلبي‬
Al Thaclabii\‫( الثعلبي‬waana Abuu Isxaaq Axmad bin Muxammad bin Ibraahiim Al Thaclabii ama
Al Thacaalibii Al Niisaabuurii\‫الثعالبي النيسابوري‬-‫أبو إسحاق أحمد بن محمد بن إبراهيم الثعلبي‬, ahaana mid
isagoo kale uusan jirin zamankiisa xagga cilmiga tafsiirka wuxuuna dhintay sanadka hijriga ee
afar boqol toddoba iyo labaatan; waana caalinka ay tafsiirkiisa ka qaateen ibnu Kathiir\‫إبن كثير‬, Al
Baghawii\‫ البغوي‬iyo kuwa kaleba) wuxuu yiri:
“waxaa la yiri waa Banuu Haashim\‫بنوا هاشم‬, taasaa waxayna daliil u tahay in Ahlu Baytka ‫أهل‬
\‫ البيت‬loola dan leeyahay Baytka nasabka.
Sidaasuu Al Cabbaasu\‫ العباس‬iyo adeerradiis iyo ilmo adeerradiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam uga wada mid yihiin oo ay Ahlu Baytka‫ أهل البيت‬uga tirsan yihiin.”
Sidaasoo kalena wuxuu ka wariyay Zayd bin Arqam\‫ زيد بن أرقم‬Allaha raalli ka noqdee.
Al Rijsu\‫الرجس‬
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu yiri (bogga lix iyo soddon):
“al rijsu\‫ الرجس‬waa magac ama eray koobaya wixii shar ah oo idil iyo naaqusnimo iyo dambi iyo
dhawrsanaan la’aan. Guud ahaan waa shar iyo naaqusnimo. Intaasoo idil waxay soo hoos
gelayaan rijsiga guud oo laga qaaday (Ahlu Baytkaa‫)أهل البيت‬.
Marka sidaasaa waxaa u sugnaanaysa inay sawaabta haleelaan oo xagga Ilaahay ka dhawrsan
yihiin markay hadlan, marka ficil ku kacaan iyo caqiidadooduba. Waxaa intaas u dheer in ayagoo
uu Ilaahay daahiriyay uuna daahirintooda masdarkii kusii adkeeye (waa tadh-hiiran\‫ تطهيرا‬ee
Aayadda ku jirta) Isagoo yiri:
308
)22( ‫ير‬
‫ط ِه اا‬
ْ َ‫َوُيطَهِّ َرُك ْم ت‬
oo macneheedu yahay wuxuu idinka daahirayay rijsiga iyo ghayrkiisba daahirin run ah. Taasoo
ah daahirintooda guud lagana daahiriyay wax kasta oo loo baahan yahay in laga daahirsanaado
xagga curfiga la isla yaqaanno ama caqliguba sheegayo in laga daahir sanaado, ama
shareecaduba ay amrayso in laga daahir sanaado.
Marka dambiga iyo dhawrsanaan la’aantu waxay soo hoos gelayaan waxaas laga daahiriyay oo
sidaasay ku yihiin kuwa ka daahirsan. Taas waxaa ka dhalanaysa inay sawaabta haleelayaan
guud ahaan ayna dhawrsan yihiin (waa cismat\‫)عصمة‬. Waxaana u daliil ah inuu Nabigu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫ كتاب هللا وأهل بيتي وإنهما لن يفترقا حتى يردا علي‬:‫"إني تارك فيكم ما إن تمسكتم به لن تضلوا‬
".‫الحوض‬
“innii taariku fiikum maa in tamassaktum bihi lan tadilluu: Kitaaba Allaahi wa citratii
Ahla Baytii wa innahumaa lan yaftariqaa xattaa yaridaa calayya Al Xawda.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Anigu waxaan idiinka tegey labo haddaad ku dheggenaataan aydnaan baadiyoobayn:
(Kow) Kitaabka Ilaahay.
(Laba) Caruurtayda Ahlu Baytkayga‫أهل البيت‬.
Labaadaasu ma kala tegayaan oo way wada jirayaan ilaa ay aniga Xawdkayga‫( حوضي‬waa
maalinta qiyaame) ayagoo wada socda iigu yimaadaan.”
Xadiithkaanu wuxuu daliil ku yahay isagoo Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam Quraanka Macsuumka\‫ معصوم‬ah ku lammaaniyay oo laazimiyay Ahlu Baytkiisa‫أهل البيت‬,
qofka macsuum laazimana isaguna waa macsuum\‫معصوم‬.
Marka hadday sugnaatay inay Ahlu Baytku‫ أهل البيت‬macsuumiin yihiin waxaa waajibaysa inuu
ijmaacoodu xujjo u yahay ka dhawrsanaanta dambiyada.
Marka waxaa habboon inuu qof kastoo muslin ah inuu rumeeyo Ilaahay markuu yiri:
ِ ِ َّ ُ ‫إَِّنما ي ِر‬
)22( ‫ير‬
‫ط ِه اا‬
ِّ ‫ب َع ْن ُك ُم‬
ْ َ‫َه َل اْل َب ْي ِت َوُيطَهِّ َرُك ْم ت‬
ْ ‫الر ْج َس أ‬
َ ‫يد اللهُ لُي ْذه‬
ُ َ
oo uu markaas rumeeyo in waxa Ahlu Baytka‫ أهل البيت‬ka dhaca oo idil Allaha raalli ka wada
noqdee uu Ilaahay ka wada cafiyay.” Waa intaas warkiisu.
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu kaloo yiri:
“al istaath Abuu Al Xasan Calii bin Ismaaciil bin Sayyidihi\‫ اإلستاذ أبو الحسن علي بن سيده‬Allaha u
naxariistee wuxuu yiri:
“Al rijsu\‫ الرجس‬waa waxa xun”.
Ibnu Durayd\‫ إبن دريد‬wuxuu yiri:
“waa najaasada.”
309
Al Rijsu\‫ الرجس‬waana cathaabta sida al rijzu\‫ الرجز‬oo kale. Rijs\‫ رجس‬waxaa kaloo la yiraahdaa
shaydaanka waswaasintiisa.
Al Imaamu Abuu Jacfar Al Dhabarii\‫ أبو جعفر الطبري‬wuxuu yiri:
“waa waxa xun iyo al faxshaa’u oo ah waxa fool xun oo dhan (sida zinada oo kale): Ahla
Baytka Muxammadow\‫ أهل البيت محمد‬wuxuuna idinka daahirinaya wasakhda ay leeyihiin kuwa
macaasida Ilaahay ku dhex jira wuxuuna idinka daahirinayaa daahirin.”
Wuxuuna silsilad uu isagu leeyahay ku xusay inuu Saciid\‫ سعيد‬ka wariyay Qataadah\‫ قتادة‬in
hadalka Ilaahay ee “innamaa\‫ ”إنما‬ay yihiin Ahlu Baytka‫ أهل البيت‬uuna Ilaahay ka daahiriyay
xumaanta uuna raxmaddiisa ayaga ku gooni yeelay.
Ibnu Wahb\‫ إبن وهب‬waxaa laga wariyay inuu ibnu Zayd\‫ إبن زيد‬yiri: “al rijsu meeshaan ayada ah
waa shaydaanka, inta kasoo hartana waa shirkiga iyo gaalnimada.”
Al Daylamii\‫الديلمي‬
Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu wariyay inuu Calii\‫ علي‬Allaha raalli ka noqdee yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ وخير قريش بنو هاشم‬،‫ وخير العرب قريش‬،‫"خير الناس العرب‬
“khayru al nnaasi al carabu, wa khayru al carabi Quryashun, wa khayru Qurayshin
Banuu Haashim.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“dadka waxaa ugu khayr badan carabta, carabtana waxaa ugu khayr badan Quraysh\‫قريش‬,
Qurayshna\‫ قريش‬waxaa ugu khayr badan Banuu Haashim\‫بنوهاشم‬.”
Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبو بكر الصديق‬
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu wariyay inuu Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬yiri:
".‫"إرقبوا آل محمد في أهل بيته‬
“irqabuu Aala Muxammadin fii Ahli Baytihi”
oo macnihiisu yahay:
“Aali Muxammad‫ آل محمد‬u ilaaliya Ahlu Baytkiisa‫أهل البيت‬.”
Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬wuxuu Calii\‫ علي‬ku yiri:
“wa Allaahi inaan qaraabada Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam xiriiriyo ayaan ka jeclahay inaan aniga qaraabadayda xiriiriyo.”
310
Ibnu Maajah|‫إبن ماجة‬
Abuu Turaab\‫( أبو تراب‬Xadiithkaan waxaan kasoo qaadannay kitaabka uu dhigay Abuu Turaab Al
Thaahirii\‫ أبو تراب الظاهري‬laguna daabacay Daaru Al Qiblah\‫ دار القبلة‬ee Jiddah\‫جدة‬, arliga
sucuudiga bisha Ramadan 27 1404 Hijrada/1984. Kitaabku wuxuu ka kooban yahay qabyta hore
oo ah kitaab uu ibnu Taymiyah\‫ إبن تيمية‬dhigay oo la yiraahdo ”Fadlu Ahli Al Bayti wa
Xuquuqihim‫”فضل آل البيت وحقوقهم‬.
Qaybaha dambena wuxuu kasoo qaatay kutubbo kale, sida Imaam Axmad\‫اإلمام أحمد‬, Abuu
Daauud‫أبو داود‬, iyo kuwo kale oo fara badan) wuxuu wariyay inuu Ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬ibnu
Cumar\‫إبن عمر‬: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu
yiri:
".‫"الحسن والحسين سيدا أهل الجنة وأبوهما خير منهما‬
“Al Xasanu wa Al Xusaynu sayyidaa ahli al jannati wa abuuhumaa khayrun minhumaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Al Xasanu\‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu\‫ الحسين‬waa madaxda dadka jannada ku jira, aabohoodna waa
ka khayr badan labadoodaba.”
Ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬ka wariyay inay Calii\‫ علي‬iyo ibnu
Cumar‫ إبن عمر‬yiraahdeen:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"إبني هذان الحسن والحسين سيدا شباب أهل الجنة وأبوهما خير منهما‬
“ibnaaya haathaani Al Xasanu\‫ الحسن‬wa Al Xusaynu\‫ الحسين‬sayyidaa shabaabi ahli al
jannati (waxaa la yiri waa dadka ayagoo dhallinyaro ah dhinta wa Allaahu aclamu) wa
buuhumaa khayrun minhumaa.”
macnihiisu waxaa weeye:
“labadaydaan wiil Al Xasanu‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu‫ الحسين‬waa madaxda dhallinyarada ahlu al
jannada aabohood ayaana labadoodaba ka khayr badan.”
Al Shiiraazii\‫الشيرازي‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu bogga boqol kow iyo soddon ku wariyay inay Ummu Salamah ‫إم‬
‫ سلمة‬Allaha raalli ka noqdee haweenta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam ay tiri:
“Ilaahay ma aha Midka isugu kiin daraya laba waxyaalood: Nabinnimada iyo khilaafada.”
Waxaa wariyay Al Sh-shiiraazii\‫ الشيرازي‬kuna wariyay “Al Alqaab\‫األلقاب‬.”
311
Wuxuu kaloo wariyay inay Calii\‫ علي‬iyo Faadhimah\‫ فاطمة‬iyo Al Xasanu\‫ الحسن‬iyo Al
Xusaynu\‫ الحسين‬ay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam usoo galeen oo
ay markaas khilaafada waydiisteen oo uu markaas sidaasoo kale ku yiri:
".‫ النبوة والخالفة‬:‫"ما كان هللا ليجمع فيكم أمرين‬
"maa kaana Allaahu li yajmaca fiikum amrayni: Al Nubuwwata wa al khilaafata”
oo macnihiisu yahay:
“Ilaahay ma aha Midka isugu kiin daray laba waxyaalood: Nabinnimada iyo khilaafada.”.
Al Shiiraazii waa al imaamu al xaafith al mujawwad Abuu Bakr Axmad ben Cabdu Al
Rraxmaan ibnu Axmad bin Muxammad bin Muusaa Al Sh-shiiraazii ‫اإلمام الحافظ المجود أبوبكر أحمد بن‬
‫عبد الرحمن إبن أحمد بن محمد بن موسى الشيرازي‬, ahna midka allifay kitaabka “Al Alqaab\‫”األلقاب‬.
Wuxuu ku dhashay Hamthaan\‫ همذان‬kaddibna uu u guuray sanadka afar boqol iyo afar hijriga ah
magaalada Shiiraaz\‫ شيراز‬halkaasoo uu ku dhintay sanadka afar boqol iyo toddoba ama afar
boqol iyo afar hijriga. Al Xaafith Shiirawayh Al Daylamii\‫ الحافظ شيرويه الديلمي‬wuxuu yiri:
“waa thiqqo lagu kalsoon yahay, runlow ah xaafith ah (oo xifthisan in ka badan boqol kun oo
Xadiith iyo axaadiithtu warinayaba), cilmigaanna aad ayuu ugu fiicnaa.”
Warkaan waxaan kasoo qaadannay kitaabka Al Imaamu Al Th-thahabii‫ اإلمام الذهبي‬ee “Siyaru
Aclaami Al Nubalaa’i\‫ سير أعالم النبالء‬mujalladka saddex iyo tobnaad bogga boqol sagaal iyo
afartanaad, tirsiga saddex kun toddoba boqol saddex iyo lixdan.
312
Qaybta Shanaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Deeqaha Ahlu Al Bayti‫أهل البيت‬
Kitaabka Ixyaa’u Al Mayti bi Fadaa’ili Ahli Al Bayti ee Al Ssayuudhii
‫إحياء الميت بفضائل أهل البيت للسيوطي‬
Kitaabkaan waxaa dhigay Al Imaamu Al Ssayuudhii\‫( اإلمام السيوطي‬oo dhintay sanadka sagaal
boqol kow iyo toban Hijriga). Kitaabkaan oo farta Al Sayuudhii ku dhigan waxaa hubiyay
kaddibna daabacay Al Ssayyid Cabbaas Axmad Saqar Al Xusaynii ‫السيد عباس أحمد صقر‬
‫(الحسيني‬waana shariif: xasanwali) sanadka kun afar boqol labaatan ee Hijriga waxaana faafisay
Daaru Al Madiinah Al Munawwarah Lil Nashri wa Al Tawziici\‫دار المدينة المنورة للنشر والتوزيع‬.
Dalka sucuudiga iyo dalal kaloo carbeedba ashraafta waxaa la yiraahdaa saadah oo ah jamaca
sayyid oo isla macnaha shariif ah. Marka shariifkaan waa Xusayni.
Kitaabkaan waxaan ka kooban yahay lixdan Xadiith, waana kuwaan soo socda.
Xadiithka Koowaad: Saciid bin Mansuur\‫ سعيد بن منصور‬wuxuu kitaabkiisa “sunanka\‫”السنن‬
Saciid bin Jubayr\‫ سعيد بن جبير‬Allaha raalli ka noqdee uga wariyay inuu macnaha Aayadda
)32(‫َج اار إِ ََّل اْل َم َوَّدةَ ِفي اْلقُ ْرَبى‬
ْ ‫َسأَلُ ُك ْم َعلَْي ِه أ‬
ْ ‫ُق ْل ََل أ‬
uu yahay:
“waa qaraabada Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.”
Xaddithka Labaad: Ibnu Al Munthir‫ إبن المنذر‬iyo ibnu Abii Xaatim‫ أبي حاتم‬iyo ibnu Marduwayh
‫ إبن مردويه‬waxay tafaasiirtooda ku wariyeen, Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬uu “Al Mucjimu Al Kabiiru
‫ ”المعجم الكبير‬ku wariyay, ayna ka wada wariyeen ibnu Cabbaas \‫ إبن عباس‬markay soo degatay
Aayadda
)32(‫َج اار ِإ ََّل اْل َم َوَّدةَ ِفي اْلقُ ْرَبى‬
ْ ‫َسأَلُ ُك ْم َعَل ْي ِه أ‬
ْ ‫ُق ْل ََل أ‬
waxay yiraahdeen:
“Rasuulka Ilaahayow Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, waa kuwee
qaraabadaadaas ay waajib nagu tahay inaan jeclaanno?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"علي وفاطمة وولداهما‬
“Caliyyun wa Faadhimah wa waladaahumaa”
oo macnihiisu yahay:
313
“waa Calii\‫ علي‬iyo Faadhimah\‫ فاطمة‬iyo labadooda wiil.”
Xadiithka saddexaad: Ibnu Abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬wuxuu ka wariyay ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬
Allaha labadoodaba raalli ka noqdee inuu hadalka Ilaahay Tacaalaa\‫هللا تعالى‬
)52( ‫ف َح َس َنةا َن ِزْد لَهُ ِفيهَا ُح ْسان ٌار‬
ْ ‫َو َم ْن َي ْقتَِر‬
“Wa man yaqtarif xasanatan nazid lahu fiihaa xusnan(23).”
ahna Aayadda saddex iyo labaatanaad ee Suuratu Al Shuuraa\‫ سورة الشورى‬oo macneheedu yahay:
‫حسنا‬
‫ من يزد طاعة نزد له فيها ا‬: ‫أي‬
“waxaa weeye jeceylka Aali Muxammad\‫ آل محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam la jeclaado.”
Waxaa wariyay Al Dhabraanii\‫( الطبراني‬8:21) iyo Al Samhuudii‫ السمهودي‬kuna wariyay
“Jawaahiru Al Caqdayni\‫( ”جواهر العقدين‬2:13).
Xadiithka afaraad: Imaam Axmad\‫اإلمام أحمد‬, Al Tarmathii\‫ الترمذي‬oo saxiix ka dhigay, Al
Nasaa’ii\‫ النسائي‬iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬waxay ka wariyeen Al Mudh-dhalib bin Rabiicah ‫المطلب بن‬
‫ ربيعة‬Allaaha labadoodaba raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"وهللا ال يدخل قلب إمرإ مسلم إيمان حتى يحبكم هلل ولقرابتي‬
“wa Allaahi laa yadkhulu qalba imri’in muslimin iimaanun xattaa yuxibbakum li Allaahi
wa li qaraabatii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan iimaan geleyneyn qalbiga qof muslin ah jeer uu adinka idiin jeclaado
Ilaaday daraadiis iyo aniga qaraabannimadayda.”
Xadiithka Shanaad: Muslim\‫مسلم‬, Al Tirmithii\‫ الترمذي‬iyo Al Nasaa’ii‫ النسائي‬waxay Zayd bin
Arqam\‫ زيد بن أرقم‬ka wariyeen inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"أذكركم هللا في أهل بيتي‬
“uthakkirikumu Allaaha fii Ahli Baytii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
314
“Waxaan idinkala dardaarmayaa Ilaahay daraadiis inaad wanaajisaan qoyskeyga .”
Xadiithka Lixaad. Al Tarmithii\‫ الترمذي‬wuxuu wariyay Xadiith uu Xasan\‫ حسن‬ka dhigay, Al
Xaakim-na\‫ الحاكم‬uu isaguna ku wariyay Al Mustadrik‫ المستدرك‬ay ka wariyeen Zayd bin Arqam
‫ زيد بن األرقم‬Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ ولن يتفرقا حتى يردا علي‬.‫ وعترتي أهل بيتي‬،‫ كتاب هللا‬:‫"إني تارك فيكم ما إن امسكتم به لن تضلوا بعدي‬
".‫ فانظروا كيف تخلفون فيهما‬،‫الحوض‬
“Innii taarikun fiikum maa in tamassaktum bihi lan tadilluu bacdii: Kitaaba Allaahi, wa
citratii Ahla Baytii. Wa lan yatafarraqaa xattaa yaridaa calayya al xawda. Fa anthuruu
kayfa takhlufuuni fiihimaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan idiinka dhex tegayaa wax haddaad ku dhegtaan aydnaan aniga dabaday baadiyoobayn:
Kitaabka Ilaahay iyo caruurtayda, Ahlu Baytkayga, qoyskeyga. Labadoodaasna kala tegi mayaan
waxayna iigu wada imaanayaan labadooduba xawdkayga (maalinta qiyaame), eek a fiirsada
sidaad labadoodaas iiga dambeyneysaan.”
Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Haythamii\‫ الهيثمي‬kuna wariyay “Majmacu Al Zawaa’idi ‫مجمع‬
"‫ ”الزوائد‬waxaana warintiisaan ka mid ah:
"...‫"إني تارك فيكم خليفتين‬
“Inni taarikun fiikum khaliifatayni.”
Oo macnihiisu yahay:
“waxaan idiinka dhex tegayaa laba khaliifo…”
Al Tirmithii\‫ الترمذي‬wuxuu kaloo kaddib warka ah "‫“ "لن تضلوا بعدي‬Lan tadilluu bacdii
Abadan” ku wariyay:
"...‫ حبل ممدود من السماء‬،‫ كتاب هللا‬:‫أحدهما أعظم من اآلخر‬
“Axaduhumaa Acthamu mina al aakhar: Kitaabu Allaahu Xablun mamduudun mina Al
Ssamaah’….”
Oo macnihiisu yahay:
“oo midkoodba kan kale waa ka wayn yahay: Kitaabka Ilaahay waa xariga kasoo laadlaada
Samada….).
Waxaana ku waafaqay Al Thahabii\‫الذهبي‬.
Xadiithka Toddobaad. Cabdu bin Xumayd\‫ عبد بن حميد‬wuxuu “Musnadkiisa” Zayd bin Thaabit
\‫ زيد بن ثابت‬uga wariyay Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
315
‫ إنهما لن يتفرقا حتى يردا‬.‫ وعترتي أهل بيتي‬،‫ كتاب هللا‬:‫"إني تارك فيكم ما إن تمسكتم به بعدي لن تضلوا‬
".‫علي الحوض‬
“Innii taarikun fiikum maa in tamassaktum bihi bacdii lan tadilluu: Kitaaba Allaahi, wa
citratii Ahla Baytii. Innahumaa lan yatafarraqaa xattaa yaridaa calayya al xawda.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“”Waxaan idiinka tegayaa wax haddaad ku dhegtaan oo raacdaan aniga dabaday aydnaan
baadiyoobeen, waana Kitaabka Ilaahay, iyo aniga caruurtayda Ahlu Baytkayga ‫أهل البيت‬.
Labadoodaasna kala tegi mayaan ilaa ay aniga iiga yimaadaan oo ay xawdka yimaadaan.”
Xadiithka sideedaad: Axmad\‫ أحمد‬iyo Abuu Yaclaa\‫ أبو يعلى‬waxay Abuu Saciid Al Khudriyyi
\‫ أبو سعيد الخدري‬Allaha raalli ka noqdee ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫ وإن اللطيف الخبير‬،‫ وإني تارك فيكم الثقلين كتاب هللا وعترتي أهل بيتي‬،‫"إني أوشك أن أدعى فأجيب‬
".‫ فأنظروا كيف تخلفوني فيهما‬،‫خبرني أنهما لن يتفرقا حتى يردا علي الحوض‬
“innii uushaku an udcaa fa ajiiba, wa innii taarikun fiikum al thaqalayni: Kitaaba Allaahi
wa citratii Ahla Baytii, wa inna Al Lladhiifa Al Khabiira khabaranii annahumaa lan
yatafarraqaa xattaa yaridaa calayya Al Xawda, fa unthuruu kayfa takhlufuunii fiihimaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“mar dhow waa la ii yeeri doonaa, oo Ilaahay xaggiisa ayaa la iiga yeerayaa, markaasaan
aniguna yeelayaa oo tegayaa. Aniguna waxaan idiinka tegayaa laba culus oo kala ah Kitaabka
Ilaahay iyo caruurtayda Ahlu Baytkayga‫أهل البيت‬. Ilaahayna Al Lladhiifu‫ اللطيف‬Al Khabiiru
‫ الخبير‬wuxuu ii sheegay inayan labadoodaas kala tegeyn ilaa ay iiga wada yimaadaan
Xawdkayga\‫حوضي‬. Marka ka fiirsada sidaas aniga dabaday labadaas iiga dambeyneysaan oo aad
ula dhaqmaysaan.”
Xadiithka sagaalaad: Al Tarmithii\‫ الترمذي‬oo “xasan” ka dhigay iyo Al Dhabraanii\‫الطبراني‬
waxay ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬labadoodaba Allaha raalli ka noqdee ka wariyeen inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ وأحبوا أهل بيتي لحبي‬،‫ وأحبوني لحب هللا‬،‫"أحبوا هللا لما يغذيكم به من نعمه‬
“axibbuu Allaaha limaa yaghthuukum bihi min nicamihi, wa axibbuunii li xubbii Allaahi,
wa axibbuu Ahla Baytii li xubbii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay u jeclaada siduu nicmooyinkiisa idiin siinayo, anigana ii jeclaada jecelkaad Ilaahay u
haysaan daraadiis, Ahlu Baytkeygana‫ أهل البيت‬u jeclaada jeceylkaad aniga i jeceshihiin
daraadiis.”
316
Xadiithka Tobanaad. Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبو بكر الصديق‬
Allaha raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
".‫"ارقبوا محمدا صلى هللا عليه و سلم في أهل بيته‬
“Irqabuu Muxammadan Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii Ahli Baytihi.”
Xadiithka kow iyo tobnaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬waxay wariyeen inuu
ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee uu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ وسألته‬،‫ ويهدي ضالكم‬،‫ وأن يعلم جاهلكم‬،‫ إني سألت هللا فيكم ثالث أن يثبت قلوبكم‬،‫"يا بني عبد المطلب‬
‫ فلو أن رجال صفن بين الركن وألمقام فصلى وصام ثم مات وهو مبغض‬.‫ رحماء‬،‫ نجداء‬،‫أن يجعلكم جوداء‬
".‫ألهل بيت محمد دخل النار‬
“yaa Banii Cabdu Al Mudh-dhalib! Innii sa’altu Allaaha fiikum thalaathan: an yuthabbita
quluubakum, wa an yucallima jaahilakum, wa yahdiya daallakum, wa sa’altuHu an
yajcalakum juudaa’a, nujadaa’a, ruxamaa’a. Fa law anna rajulan safana bayna Al Rrukni
wa Al Maqaami fa sallaa wa saama thumma maata wa huwa mubghidun li Ahla Bayti
Muxammadin dakhala al nnaara.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“caruurta Cabdu Al Mudh-dhalibow‫ ! يا بني عبد المطلب يا بني عبد المطلب‬Anigu waxaan Ilaahay
idiin weydiiyay saddex:
(Kow) inuu quluubtiinna xoojiyo oo sugo,
(Laba) inuu midkiinna jaahilka ah uu wax baro,
(Saddex) midkiinna baadiyeeysan inuu hanuuniyo. Waxaan kaloo weydiistay inuu idinka dhigo
deeqsiyaal, geesiyaal, kuwo naxariis badan. Marka hadduu nini badsado ku tukashada iyo
fadhinta inta u dhexeysa Xajaru Al Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo Maqaamu Ibraahiim\‫مقام إبراهيم‬, uuna
salaadaha tukado oo soomo kaddibna uu dhinto isagoo Ahlu Baytka\‫ أهل البيت‬caruurta
Muxammad\‫ آل محمد‬neceb wuxuu gelayaa naarta.”
Xadiithka laba iyo tobnaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu wariyay inuu ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬yiri inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"بغض بني هاشم واالنصار كفر وبغض العرب نفاق‬
“bughdu Banii Haashim wa Al Ansaari kufrun wa bughdu Al Carabi nifaaqun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“neceybka reer Banii Haashin\‫ بني هاشم‬iyo Ansaartu\‫ األنصار‬waa gaalnimo, neceybka carabtuna
waa munaafqnimo.”
317
Xadiithka Saddex iyo Tobnad: Ibnu Cadiyy\‫ إبن عدي‬wuxuu kitaabkiisa “Al Ikliilu\‫ ”اإلكليل‬uga
wariyay Abuu Saciid Al Khudriyyi\‫ أبو سعيد الخدري‬Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"من أبغضنا أهل البيت فهو منافق‬
“man abghadanaa Ahla Al Bayti fa huwa munaafiqun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“qofka na neceb haddaan Ahlu Al Bayti‫\أهل البيت‬qoyskeyga nahay waa munaafaq.”
Xadiithka afar iyo tobnaad: Ibnu Xabbaan\‫ إبن حبان‬wuxuu “Saxiixiisa” ku wariyay, iyo Al
Xaakim\‫ الحاكم‬ayna ka wariyeen Abuu Saciid Al Khudriyyi \‫ أبو سعيد الخدري‬Allaha raalli ka noqdee
inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"والذي نفسي بيده اليبغضنا أهل البيت رجل إالأدخله هللا النار‬
“wa Allathii nafsii bi YadiHi la yabghadunaa Ahla Al Bayti rajulun illaa adkhalahu
Allaahu al nnaara.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“waxaan ku dhaartay Midka naftaydu Gacantiisa ku jirto ee ninka nacayb noo haya haddaan
nahay Ahlu Al Bayti‫\أهل البيت‬qoyskeyga ee waa illaa tuu Ilaahay naarta geliyo.”
Xadiithka shan iyo tobnaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Al Xasan bin Calii\‫الحسن بن علي‬
Allaha labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu ku yiri Mucaawiyah bin Khudayj ‫معاوية بن‬
‫خديج‬: “Mucaawiyah bin Khudayjow! Iska ilaali inaad na nacdid oo Rasuulka Ilaahay Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ اليحسدنا أحد إال ذيد يوم القيامة عن الحوض بسياط من نار‬، ‫"اليبغضنا أحد‬
“laa yabghadunaa axadun, la yaxsadunaa axadun illaa thiida yawma al qiyaamati cani Al
Xawdi bi siyaadhin min naari.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“ma jiro axad na naca, ma jiro axad na xasda oo noo quuri waaya ee waa illaa midka karbaash
dab ah looga dhalaaliyo oo looga fogeeyo Xawdka\‫ الحوض‬maalinta qiyaame.”
(Kaas maalintaas Xawdka\‫ الحوض‬ka cabi mayo, waana hoogay oo khasaaray!!!: xasanwali)
Xadiithka Lix iyo tobnaad. Ibnu Cadiyyi\‫ إبن عدي‬iyo Al Bayhaqii ‫ البهقي‬waxay Calii\‫علي‬
Allaha raalli ka noqdee ka wariyeen inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calaihi Wa Sallam wuxuu yiri:
318
:‫" يعني‬.‫ وإما لغير طهور‬،‫ وإما لزنية‬،‫ إما منافق‬:‫ فهو ألحدى ثالث‬،‫"من لم يعرف حق عترتي واألنصار‬
".‫حملته أمه على فير طهر‬
“Man lam yacrif xaqqa citratii wa al Ansaari, fa huwa li ixdaa thalaathin: immaa
munaafiq, wa immaa li zaniyatin, wa immaa li ghayri dhuhuurin.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qofkaan aqoonsan xaqqa ay leeyihiin caruurteydu iyo xaqqa ay leeyihiin Ansaartu waa saddex
midkood: ama waa munaafaq, ama waxaa dhashay haweeney zinaysata, ama wuxuu calool galay
daahir nimo la’aan.”
Qaalli Ciyaad\‫ القاضي عياض‬wuxuu Al Shifaa’‫ الشفاء‬ku yiri:
“Culummada qaarkood waxay yiraahdeen: “waa aqoonsigooda; aqoonsiga makaankay Nabiga
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku leeyihiin agtiisa; marka markuu qofku
taas aqoonsado wuxuu ogaanayaa oo aqoonsanayaa waajibnimada xaqqooda iyo xurmayntooda
isaga daraadiis.”
Waxaa kaloo wariyay )1:212 ‫ (مجمع الزوائد‬iyo Al Dhabraanii\‫) الطبراني‬3352# 2:233 ‫(المعجم األوسط‬.
Xadiithka toddoba iyo tobnaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu “Al Awsadh‫ ”األوسط‬ibnu Cumar
‫ إبن عمر‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“waxa ugu dambeeyey oo uu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam ku hadlay waxay ahayd isagoo yiri:
".‫"أخلفوني في أهل بيتي‬
“akhlafuunii fii Ahli Baytii” oo macnihiisu yahay:
“iiga dambeeya oo ka warqaba oo wanaajiya Ahlu Baytkeyga ‫أهل البيت‬.”
Xadiithka sideed iyo tobnaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Al Xasanu bin Calii‫الحسن بن علي‬
Allaha labadoodaba raalli ka noqdee “Al Awsadh\‫ ”األوسط‬uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫ والذي نفسي بيده ال ينفع عبدا‬،‫ فإنه من لقي هللا وهو يودنا دخل الجنة بشفاعتنا‬،‫“ألزموا مودتنا أهل البيت‬
".‫عمال عمله إال بمعرفة حقنا‬
“alzimuu mawaddatanaa Ahla Al Bayti, fa innahu man laqiya Allaaha wa huwa
yawaddunaa dakhala al jannata bi shafaacatinaa, wa Allathii nafsii bi Yadihi laa yanfacu
cabdan camalun camilahu illaa bi macrifati xaqqinaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“laazima oo ku taagnaadaa jeceylkeenna Ahlu Al Bayti‫أهل البيت‬, oo qofka Ilaahay la kulma –
kaddib markuu dhinto oo maalinta qiyaame lasoo saaro- isagoo na jecel wuxuu jannada ku
gelayaa annaga shafaacadeenna. Waxaan ku dhaarta Midkay naftaydu gacantiisa ku jirto inuusan
addoon (Ilaahay) camal uu falay anfacayn oo wax tarayn inuu xaqqeenna aqoonsado mooyee.”
319
Qaalli Ciyaad‫ القاض عياض‬Allaha u naxariistee wuxuu “Al Shifaa\‫( ”’الشفاء‬2/48) ku yiri:
“culummada qaarkood waxay yiraahdeen aqoonsigoodu waxaa weeye aqoonsiga makaankooda
ay ku leeyihiin Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Marka hadduu taas u
aqoonsado wuxuu ogaanayaa xaqqooda iyo xurmadooda loo geysanayo isaga Sallaa Allaahu
calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam daradiis.”
Xadiithka Sagaal iyo Tobnaad. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Al Awsadh\‫ األوسط‬Jaabir bin
Cabdu Allaahi\‫ جابر بن عبد هللا‬uga wariyay Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Waxaa noo kudbeeyey Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, markaasaan
maqlay isagoo leh:
".‫ حشره هللا تعالى يوم القيامة يهوديا‬،‫ من أبغضنا أهل البيت‬،‫"أيها الناس‬
“Ayyuhaa al nnaasu, man abghadanaa Ahla Al Bayti, xasharahu Allaahu Tacaalaa yawma
al qiyaamati yahuudiyan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadow, qofka na necbaada haddaan Ahly Al Bayti ‫ أهل البيت‬nahay, Ilaahay wuxuu keenaa
maalinta qiyaame isaguu yuhuudi ah.”
Xadiithka labataanaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu “Al Awsadh\‫ ”األوسط‬Cabdu Allaahi bin
Jacfar\‫ عبد هللا بن جعفر‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫ويشبع‬،‫ ويؤمن خائفكم‬،‫ وسألته أن يهدي ضالكم‬.‫رحماء‬، ‫"يا بني هاشم إني قد سألت هللا أن يجعكم نجداء‬
‫ والذي نفسي بيده ال يؤمن أحد حتى يحبكم بحبي أترجون أن تدخلوا الجنة بشفاعتي وال برجوها‬.‫جائعكم‬
"‫بنو عبد المطلب؟‬
“yaa Banii Haashim innii qad sa’altu Allaaha an yajcalakum nujadaa’a, ruxamaa’a. Wa
sa’altuHu an yahdiya daallakum, wa yu’ammina khaa’ifakum, wa yushbica jaa’icakum.
Wa Allathii nafsii bi yadiHi laa yu’minu axadun xattaa yuxibbakum bi xubbii: a tarjuuna
an tadkhuluu al jannata bi shafaacatii wa laa yarjuuhaa Banuu Cabdu Al Mudh-dhalib?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Reer Banii Haashimow\‫يا بني هاشم‬, anigu waxaan Ilaahay idiinka baryay inuu idinka dhigo
geesiyaal, kuwo naxariis badan. Waxaan kaloo ka baryay inuu kiinna lunsan hanuuniyo,
midkiinna cabsidu haysana inuu amni iyo nabadgelyo siiyo, midkiinna gaajoonna uu dherjiyo.
Waxaan ku dhaartay Midka nafteydu Gacantiisa ku jirto inuusan axadna mu’min noqonayn (oo
uusan iimaan buuxa yeelanayn) jeer uu aniga daraaday idiin jeclaado. (muslimiintuu markaas
wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku leeyahay: xasanwali) “Ma
waxaad rajo ka qabtaan inaad shafeecadeyda jannada ku gashaan, ayanna reer Banii Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫ بني عبد المطلب‬ayan taasoo kale rajo ka qabin oo ayan jannada ku gelin?”
320
Xadiithka kow iyo labaatanaad: Ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬iyo Musaddid\‫ مسدد‬waxay
labadooda “Musnad‫ ”مسند‬ka wariyeen, Al Xakiim Al Tarmithiina\‫ الحكيم الترمذي‬uu “Nawaadiru
Al Usuuli\‫ ”نوادر األصول‬ku wariyay, Abuu Yaclaa\‫ أبو يعلى‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬ay
dhammaantod Salamah bin Al Akwac\‫ سلمة بن األكوع‬ka wariyeen inuu yiri: “Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"النجوم أمان ألهل السماء وأهل بيتي أمان ألمتي‬
“Al Nnujuumu amaanun li ahli al samaa’i wa Ahlu Baytii amaanun li ummatii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“xidiguhu waxay amaan u yihiin inta samada deggan (xasanwali: oo hadday xiddiguhu soo
hoobtaan samadu way burburaysaa sida dhici doonta maalinta aakhiro oo maalmaha ugu
ُّ ‫َوِا َذا‬
dambeysa sida ku xusan Aayadda labaad ee Suuratu Al Sh-shamsi ‫ت‬
ْ ‫وم ْان َك َد َر‬
ُ ‫الن ُج‬
Ahlu Baytkayguna waxay amaan u yihiin ummaddeyda.”
Xadiithka Laba iyo Labaatanaad. Al Bazzaar\‫ البزار‬wuxuu Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬ka wariyay
Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ حتى يردا علي الحوض‬،‫ ولن يتفرقا‬.‫ ونسبي‬،‫ كتاب اهلل‬:‫"إني خلفت فيكم اثنين لن تضلوا بعدهما أبدا‬
“Innii khalaftu fiikum ithnayni lan tadilluu bacdahumaa abadan: Kitaaba Allaahi, wa
Nasabii. Wa lan yatafarraqaa xattaa yaridaa calayya calaa al xawdi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan idiinka dhex tegey aniga dabaday laba aydnaan dabadood ebedkiin baadiyoobayn:
Kitaabka Ilaahay iyo Nasbkayga. Labadoodaasna adduunka ku kala tegi mayaa ee waxay iigu
wada imaanayaan xadkayga (maalinta qiyaame).”
Xadiithka Saddex iyo Labaatanaad. Al Bazzaar\‫ البزار‬wuxuu Calii\‫ علي‬ka wariyay Allaha raalli
ka noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ وانكم لن تضلوا بعدهما‬،‫ وأهل بيتي‬،‫ كتاب اهلل‬:‫ واني تركت فيكم الثقلين‬،‫"إني مقبوض‬
“Innii maqbuudun, wa innii qad taraktu fiikum hgthaqalayni: Kitaaba Allaahi wa Ahla
Baytii, wa innakum lan tadilluu bacdahumaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Aniga naftaa la iga qaban doonaa, waxaanna dhexdiinna uga tegay labada culus: Kitaabka
Ilaahay iyo Ahlu Baytii‫أهل البيت‬, adinkuna labadoodaas dabadood baadiyoobi maysaan.”
321
Xadiithka Afar iyo Labatanaad. Al Bazzaarh\‫ البزار‬wuxuu Cabdu Allaahi bin Al Zzubayr ‫عبد اهلل‬
‫ بن الزبير‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam yiri:
".‫ ومن تركها غرق‬،‫ من ركبها نجا‬،‫"مثل أهل بيتي؛ مثل سفينة نوح‬
“Mathalu Ahla Baytii mathalu safiinata Nuuxin, man rakibahaa najaa, wa man tarakahaa
gharaqa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Tusaalaha Ahlu Baytkaygu‫ أهل البيت‬wuxuu la mid yahay tusaalaha doonta Nuux\‫نوح‬, oo qofka
fuula waa badbaadayaa, kan ka tagana waa maashoonayaa oo dhimanayaa.”
Xadiithka shan iyo labaatanaad: Al Bazzaar\‫ البزار‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬labadoodaba
Allaha raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ من ركبها نجاومن تركها غرق‬،‫"مثل أهل بيتي مثل سفينة نوح‬
“mithlu Ahlu Baytii mithlu safiinati Nuuxin: man rakibahaa najaa wa man tarakahaa
gharaqa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ahlu Baytkayga‫ أهل البيت‬waxaa la mid ah doonta Nuux\‫ نوح‬oo qofkii fuula wuu badbaadayaa
qofka ka tagana wuu maashoobayaa oo uu biyaha ku dhimanayaa.”
Xadiithka Lix iyo Labaatanaad. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Abuu Tharr\‫ أبو ذر‬Allaha raalli
ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo leh:
‫ومثل حطة بني‬.‫ ومن تخلف عنها هلك‬،‫ من ركبها نجا‬،‫"مثل أهل بيني فيكم؛ كمثل سفينة نوح في قوم نوح‬
".‫إسرائيل‬
“Mathalu Ahla Baytii fiikum; ka mathali safiinata Nuuxin fii qawmi Nuuxin, man
rakibahaa najaa, wa man takhallafa canhaa halaka. Wa lathalu xifh-dhati Banii
Israa’iila.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Adinka dhexdiinna wuxuu Ahlu Baytkaygu‫ أهل البيت‬ka yahay sida tusaalaha doonta Nuux‫نوح‬
oo kale, oo qofka fuula waa badbaadayaa, midka ka harana waa maashoonayaa. Waxayna la mid
yihiin sida Xidh-dhatu Banii Israa’iil\‫حطة بني إسرائيل‬.”
322
Xadiithka Toddoba iyo Labaatan. Al Dhabraanii wuxuu “Al Awsadhu” Abii Saciid Al
Khudriyyi Allaha raalli ka noqdee uga wariyay inuu yiri:
“Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo leh:
".‫ ومن تخلف عنها غرق‬،‫ من ركبها نجا‬،‫"إنما مثل أهل بيتي؛ كمثل سفينة نوح‬
“Innamaa mathalu Ahla Baytii ka mathali safiinata Nuuxin, man rakibahaa najaa, wa man
takhallafa canhaa najaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Tusaalaha Ahlu Baytkaygu‫ أهل البيت‬waa tusaalaha doonta Nuux‫ نوح‬oo kale, oo qofka fuula
wuu badbaadayaa, midka ka harana biyuhuu ku maashoonayaa.”
Xadiithka sideed iyo labaatanaad: ibnu Al Najjaar\‫ إبن النجار‬wuxuu kitaabkiisa taariikhda Al
Xasan bin Calii\‫ الحسن بن علي‬Labadoodaba Allaha raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫"لكل شيء أساس وأساس االسالم حب أصحاب رسول هللا صلى هللا عليه وعلى آله وسلم وحب أهل‬
".‫بيته‬
“li kulli shay’in asaasun wa asaasu al islaami xubbu asxaabi Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wa xubbu Ahli Baytihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“wax walba aasaas ayay leeyihiin, aasaaska islaamkuna waa jacaylka asxaabta Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo jecaylka Ahlu Baytkiisa ‫أهل البيت‬.”
Xadiithka Sagaal iyo Labaatan. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay Cumar‫ عمر‬Allaha
raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ فأنا أبوهم‬،‫ فإني عصبتهم‬،‫ ما خال ولد فاطمة‬،‫"كل بني أنثى فإن عصبتهم ألبيهم‬
“Kullu Banii Unthaa fa inna casabatuhum li abiihimK maa khalaa walada Faadhimah, fa
innii casabatuhum, fa anaa abuuhum.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Cunug kasta oo ay haweeni dhashay waxaa u qabiil ah qabiilka aabihiis, intaan ka ahayn
caruurta Faadhimah\‫ فاطمة‬oo anaa qabiilkooda ah, anigaana aabohood ah.”
Xadiithka Soddonaad. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay Faadhimah Al Zahraa’ ‫فاطمة‬
‫ الزهراء‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee inay tiri:
323
:‫"قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬
".‫ فأنا وليهما وعصبتهما‬،‫ أال ولدي فاطمة‬،‫"كل بني أدم ينتمون إلى عصبتهم‬
“Qaala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam:
“Kullu banii Aadama yantimuuna ilaa casabatihim illaa walady Faadhimah, fa anaa
waliyuhumaa wa casabatuhumaa.
Xadiithka macnihiisu waxaa weye:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri::
“Aadan\‫ آدم‬caruurtiisa oo idil waxay ku abtirsadaan qabiilkooda, intaan ka ahayn labada wiil ee
Faadhimah\‫فاطمة‬, oo labadooda anigaa waligooda iyo qabiilkoodaba ah.”
Xadiithka Kow iyo soddon. Al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu ka wariyay Jaabir\‫ جابر‬Allaha raalli ka
noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ فأنا وليهما وعصبتهما‬،‫ إال إبني فاطمة‬،‫"لكل بني أم عصبة ينتمون إليهم‬
“Li kulli banii ummin casabatun yantimuuna ilayhim, illaa ibnay Faadhimah, fa anaa
waliyuhumaa wa casabatuhumaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weye:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri::
“Aadan\‫ آدم‬caruurtiisa oo idil waxay ku abtirsadaan qabiilkooda, intaan ka ahayn labada wiil ee
Faadhimah\‫فاطمة‬, oo labadooda anigaa waligooda iyo qabiilkoodaba ah.”
Xadiithka Laba iyo Soddon. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu “Al Awsadh\‫ ”األوسط‬Jaabir‫جابر‬
Allaha raalli ka noqdee uga wariyay inuu yiri inuu maqlay Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عمر بن‬
‫ الخطاب‬Allaha raalli ka noqdee oo dadka ku oranaya markuu guursaday gabadha Calii\‫علي‬
Allaha raalli ka noqdee:
:‫"أال تهنئوني! سمعت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يقول‬
".‫ أال سببي ونسبي‬،‫"ينقطع يوم القيامة كل سبب ونسب‬
“A laa tuhanni’uunii! Samictu Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
yaquulu:
“Yanqadhicu yawma al qiyaamati kullu sababin wa nasabin, illaa sababii wa nasabii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ii hambalyeeya! Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa ASllaahu Calayhi Wa Sallam oo leh:
“Waa go’ayaa maalinta qiyaame xarig kasta oo sababtiisa wax lagu heli jiray iyo nasab kasta,
intaan ka ahayn aniga xarigayga iyo nasabkeyga.”
324
Xadiithka Saddex iyo Soddon. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka
wariyay Allaha labadoodaba raalli ka noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ إال سببي ونسبي‬،‫"كل سبب ونسب منقطع يوم القيامة‬
“Kullu sababin wa nasabin munqadhicun yawma al qiyaamati illaa sababii wa nasabii.’
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Xarig kasta iyo nasab kasta oo wax la isugu ahaa waa go’ayaa maalinta qiyaame intaan ka
ahayn aniga xarigayga iyo nasabkayga: qofka adduunkaan xarig ila lahaa amanasab maalinta
qiyaamana sidaasuu iila lahaanayaa.”
Xadiithka Afar iyo Soddon. Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬wuxuu kitaabkiisa “Taariikhda” uga
wariyay ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬Labadoodaba Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuula Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ إال نسبي وصهري‬،‫"كل نسب وصهر منقطع يو القيامة‬
“Kullu nasabin wa sihrin munqadhicun yawma al qiyaamati illaa nasabii wa sihrii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Nasab kasta iyo xarig kasta waa go’ayaa maalinta qiyaame, intaan ka ahayn aniga nasabkayga
iyo xididnimadayda.”
Xadiithka Shan iyo Soddon. Al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay
labadoodaba Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ فإذا خالفتها قبيلة من العرب‬،‫ وأهل بيتي أمان ألمتي من اإلختالف‬،‫"النجوم أمان ألهل األرض من الغرق‬
".‫ فصاروا حزب إبليس‬،‫اختلفوا‬
“Al nujuumu amaanun li ahli al ardi kina al gharqi, wa Ahlu Baytii amaanun li ummatii
mina al ikhtilaafi, fa ithaa khaalafathaa qabiilatun mina al carabi ikhtalafuu, fa saaruu
xizba ibliisa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Xiddiguhu waxay badbaado uga yihiin dadka arliga deggan inay biyo mu maashoodaan, Ahlu
Baytkayguna‫ أهل البيت‬waxay ummaddeyda badbaadu uga yihiin inay is khilaafaan. Hadday
marka qabiilu carabta ka mid ihi ayaga khilaafto, way is khilaafayaan, markaasay waxay
noqonayaa xizbiga ibliis.”
Xadiithka Lix iyo Soddon. Al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu ka wariyay Anas\‫ أنس‬Allaha raalli ka
noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
325
".‫ أنه اليعذبهم‬،‫ ولي بالبالغ‬،‫"وعدني ربي في أهل بيتي؛ من أقر منهم بالتوحيد‬
“Wacadanii Rabbii fii Ahla Baytii; man aqarra minhum bi Al Tawxiidi, waliya bi al
balaaghi, annahu laa yucath-thibuhum.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Rabbigay wuxuu ii ballan qaaday Ahlu Baytkayga ‫أهل البيت‬: kooda tawxiidka qira, una
hoggaansama inuusan cathaabayn.”
Xadiithka Toddoba iyo Sodoon: Ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬wuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inuu ibnu
Cabbaas\‫ إبن عباس‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee uu Aayadda
)5( ‫ضى‬
َ ‫يك َرب‬
َ ‫ف ُي ْع ِط‬
َ ‫َولَ َس ْو‬
َ ‫ُّك فَتَْر‬
"Wa la sawfa yucdhiika Rabbuka fa tardaa(5)",
oo macneheedu yahay:
"Rabbigaana wuu ku siin doonaa, adiguna (waxaas lagu siiyay oo wanaagsan) raalli ayaad ku
noqon doontaa(5)"."
ka yiri: "
raallinnimada Muxammad‫ محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa ka
mid ah inuusan axad Ahlu Baytkiisa\‫ أهل بيته‬ka mid ah uusan naarta gelin.”
Xadiithka sideed iyo soddon: Al Bazzaar\‫البزار‬, Abuu Yaclaa\‫أبو يعلى‬, Al Cuqaylii\‫ العقيلي‬, Al
Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo ibnu Shaahiin\‫ إبن شاهين‬waxay dhammaantood ka wariyeen ibnu Mascuud
‫ إبن مسعود‬Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"إن فاطمة أحصنت فرجها فحرم هللا ذريتها على النار‬
“inna Faadhimah axsanat farjahaa fa xarrama Allaahu thurriytihaa calaa al nnaari.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Faadumo‫فاطمة‬
xaaraantimeeye.”
waxay dhawrtay farjigeeda markaasuu Ilaahay ubadkeeda naarta ka
Xadiithka sagaal iyo soddon: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam Faadhimah\‫ فاطمة‬ku yiri Allaha raalli ka noqdee:
".‫" إن هللا غير معذبيك وال ولدك‬
“inna Allaaha ghayra mucath-thibiki wa laa waladiki.”
326
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay ku cathaabi mayo, caruurtaadana cathaabi mayo.”
Xadiithka Afartan. Al Tirmithii\‫ الترمذي‬wuxuu ka wariyay Jaabir\‫ جابر‬Allaha raalli ka noqdee,
uuna xadiith xasan ah ka dhigay inuu yiri:’
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ كتاب هللا وعترتي‬:‫ إني تركت فيكم ما إن أخذتم به لن تضلوا‬،‫"يا أيها الناس‬
“Yaa ayyuhaa al nnaasu, inni taraku fiikum maa in tamassaktum bihi lan tadilluu:
Kitaaba Allaahi wa citratii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadow, waxaan idiinka tegay wax haddaad qaadataan oo ku raacdaan aydnaan lumayn, ahna
Kitaabka Ilaahay iyo aniga caruurtayda.”
Xadiithka Kow iyo afartan: Al Khadhiibu\‫ الخطيب‬wuxuu kitaabkiisa Taariikhda Calii\‫علي‬
Allaha raalli ka noqdee uga wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"شفاعتي ألمتي من أحب أهل بيتي‬
“shafaacatii li ummatii man axabba Ahla Baytii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“ummaddayda waxaa shafaacadayda helaya kuwa Ahla Baytkayga jecel.”
Xadiithka Laba iyo Afartan. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay ibnu Cumar\‫إبن عمر‬
Allaha labadoodaba raalli ka noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ أهل بيتي‬،‫"أول من أشفع له من أمتي‬
“Awwalu man ashfacu lahu min ummatii, Ahlu Baytii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Cidda ugu horreysa oo aan u shafeeco qaadayo oo ummaddayda ka mid ah waa Ahly
Baytkayga‫أهل البيت‬.”
Xadiithka Saddex iyo Afartan. Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay Al Mudh-dhalib bin
Cabdu Allaahi bin Xandhab\‫ المطلب بن عبد هللا بن حنطب‬inuu aabihiis yiri:
“Waxaa noogu kudbeeyey Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam annago Al
Juxfah (tuulada la yiraahdo) wuxuuna yiri:
327
،‫ "فإني سائلكم عن اثنين؛ عن القرآن‬:‫ قال‬،"‫ "بلى يا رسول هللا‬:‫"ألست أولى بكم من أنفسكم؟" قالوا‬
".‫وعترتي‬
Alastu awlaa bikum min anfusikum?” Qaaluu: “Balaa yaa Rasuula Allaahi.” Qaala: “Fa
inni saa’ilukum can ithnayni; cani Al Quraani, wa citratii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Soo anigu nafatiiinna idiinkama xaq badnin?” Waxa yiraahdeen: “Haa Rasuulka Ilaahayow.”
Wuxuu yiri: “Waxaan idinka weydiinaya laba: Quraanka iyo caruurtayda.”
Xadiithka afar iyo afartanaad: Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ وعن ماله فيما أنفقه‬،‫ وعن جسده فيما أباله‬،‫"التزول قدما عبد حتى يسأل عن أربع عن عمره فيما أفناه‬
".‫ وعن محبتنا أهل البيت‬،‫ومن أين إكتسبه‬
“laa tazuulu qadamaa cabdin xattaa yus’ala can arbacin: can cumurihi fiimaa afnaahu, wa
can jasadihi fiimaa ablaahu, wa can maalihi fiimaa anfaqahu wa min ayna iktasabahu, wa
can maxabbatinaa Ahla Al Bayti.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“labada cagood ee addoonku ka dhaqaaqi mayaan bartaas maalinta qiyaami jeer afar laga
weydiiyo:
(Kow) cumrigiisa wuxuu ku qabtay oo geliyay oo uu ku dhammeeyey,
(Laba) jirkiisa wuxuu ku qabtay oo ku falay,
(Saddex) maalkiisa meeshuu ku bixiyay iyo siduu ku kasbayba, (Afar) annaga jeceylkeenna
haddaan Ahlu Baytka nahay.”
Xadiithka Shan iyo Afartan. Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Calii\‫ علي‬Allaha raalli ka noqdee ka
wariyay inuu yiri:
:‫"سمعت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يقول‬
".‫ أهل بيتي‬،‫"أول من يرد علي الحوض‬
“Samictu Rasuula Allaahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yaquulu:
“Awwalu man yaridu calayya al xawda Ahlu Baytii.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Cidda ugu horreysa oo xawdka kasoo waraabaysa waa Ahlu Baytkayga‫أهل البيت‬.”
Xadiithka lix iyo afartanaad: Al Daylamii‫ الديلمي‬wuxuu Calii\‫ علي‬Allaha raalli ka noqdee ka
wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri
328
‫"أدبوا أوالدكم علي ثالث خصال حب نبيكم وحب أهل بيته وقراءة القرءان فإن حملة القرءان في ظل هللا‬
".‫يوم ال ظل إال ظله مع األنبياءوأصفيائه‬
“adabuu awlaadakum calaa thalaathi khisaalin: xubbu Nabiyyikum wa xubbi Ahlu Baytihi
wa calaa qiraa’ati Al Qura’aani fa inna xamalata Al Qura’aani fii Thilli Allaahi yawma laa
thilla illaa thillahu maca Anbiyaa’ihi wa asfiyaa’iHi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“caruurtiinna waxaad ku edbisaan oo ku korisaan saddex wax yaalood oo kala ah:
(Kow) jeceylka Nabigiinna iyo
(Laba) jeceylka Ahlu Baytkiisa‫ أهل البيت‬iyo
(Saddex) xifdinta Quraanka maxaa yeelay kuwa Quraanka xifdisan waxay ku sugan yihiin harka
(Carshiga: xasanwali) Ilaahay maalin uusan hoos jirin Harkiisa mooyee wuxuuna la jooga
Anbiyada iyo kuwuu Ilaahay doortay.”
Xadiithka toddoba iyo afartanaad: Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Calii\‫ علي‬Allaha raalli ka
noqdee ka wariyey inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"أثبتكم على الصراط أشدكم حبا ألهل بيتي وأصحابي‬
“athbutukum calaa Al Ssiraadhi ashaddukum xubban li Ahli Baytii wa asxaabii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“midkiinna idiinku sugnaan badan Siraadka korkiisa iyo marka la marayo (oo jahannamada ka
hooseysa ku dhacayn oo siraadku jahannama korkeeduu maraa: xasanwali) waa kiinna ugu jeceyl
badan Ahlu Baytkayga‫ أهل البيت‬iyo asxaabtayda.”
Xadiithka sideed iyo afartanaad: Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu ka wariyay Calii\‫ علي‬Allaha raalli
ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫"أربعة أنا لهم شفيع يوم القيامت المكرم لذريتي والقاض لهم حوائجهم والساعي لهم أمورهم عند ما‬
".‫إضطروا والمحب لهم بقلبه ولسانه‬
“arbacatun anaa lahum shafiicun yawma al qiyaamati: al mukrimu li thurriyatii wa al
qaadii lahum xawaa’ijuhum wa al saacii lahum umuurahum cinda maa id-dharruu wa al
muxibbu lahum bi qalbihi wa lisaanihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
Afar anigaa u shafeeco qaadaya maalinta qiyaame:
(kow) midka caruurteyda karaameeya iyo
(Laba) midka danohooda u fuliya iyo
(Saddex) kuwa u kaca oo u quma umuurtooda markay lagama maarmaan u noqoto iyo
(Afar) midka qalbigiisa iyo carrabkiisaba ka jecel.”
329
Xadiithka sagaal iyo afartanaad: Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Abuu Saciid\‫ أبو سعيد‬Allaha raalli
ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"إشتد غضب هللا على من آذاني في عترتي‬
“ishtadda ghadabu Allaahi calaa man aathaanii fii citratii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay aad ayuu ugu carooday midka aniga caruurtayda igu dhiba, oo intuu caruurtayda dhibo
aan anigu sidaas ugu dhibtoodo.”
Xadiithka kontonaad: Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬Allaha raalli ka
noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ والمبغض‬،‫ والمخفر ذمته‬،‫ والتارك لسنة نبيه‬،‫ والغافل عن طاعة ربه‬،‫"إن هللا يبغض اآلكل فوق شبعه‬
".‫ والمؤذي جيرانه‬،‫عترة نبيه‬
“inna Allaha yubghidu al aakila fawqa shabicihi, wa al ghaafilu can dhaacata Rabbihi, wa
al ttaariku li sunnati Nabiyyihi, wa al mukhfiru thimmatahu, wa al mubghida citrata
Nabiyyihi, wa al mu’thii jiiranihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ilaahay wuu neceb yahay:
(Kow) midka cuna in ka badan intuu ku dhergo, iyo
(Laba) midka moog adeecidda Rabbigiis, iyo
(Saddex) midka ka taga sunnada Nabigiisa, iyo
(Afar) midka heshiiskiisa buriya oo khayaana, iyo
(Shan) midka caruurta Nabigiisa neceb, iyo
(Lix) midka dariskiisa dhiba.”
Xadiithka kow iyo kontonaad: Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Abii Saciid‫( أبو سعيد‬Al Khudriyyi
‫ )الخدري‬ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ فأقبلوا من محسنهم وتجاوزوا‬،‫ وأمانتي‬،‫ وموضع مسرتي‬،‫"أهل بيتي واالنصار كرشي وعيبتي وصحابي‬
".‫عن مسيئهم‬
“Ahlu Baytii wa Al Ansaara kirashii wa caybatii wa sixaabiyya, wa mawdica masarratii wa
amaanatii, fa aqbaluu min muxsinihim wa tajaawazuu can musii’ihim.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
330
“Ahlu Baytkayga‫ أهل البيت‬iyo Ansaartu waa kuwa dadka iigu dhow oo sirtaydana weeleeya oo
haya iyo amaanadaydaba iyo kuwa aan umuurtayda ku halleeyo oo u kaca. Marka kooda
suubanna aqbala oo yeela, kooda qaldana cafiya oo dhaafa.”
Xadiithka Laba iyo konton. Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬
Allaha raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ فأنا أكافئه عنه يوم‬،‫ فلم يقدر المطلبي على مكافأته‬،‫"من أولى رجال من بني عبد المطلب معروفا في الدنيا‬
".‫القيامة‬
“Man awlaa rajulan min Banii Cabdu Al Mudh-dhalib macruufan fii al dunyaa, falam
yaqdir Al Mudh-dhalibiyyu calaa mukaafa’atihi, fa anaa ukaafi’uhu canhu yawma al
qiyaamati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qofka abaal ugu gala axad ka mid ah caruurta Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬adduunkaan,
oo uu ruuxaas reer Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬u dhashay uu abaalkiisaas u gudi waayo,
aniga uga gudaya maalinta qiyaame.”
Xadiithka Saddex iyo kontonaad. Al Khadhiibu\‫ الخطيب‬wuxuu ka wariyay Cuthmaan bin
Caffaan\‫ عثمان بن عفان‬Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ فعلي مكافأته إذا لقيني‬،‫"من صنع صنيعة إلى أحد ممن خلف عبد المطلب في الدنيا‬
“Man sanaca saniicatan ilaa axadin min khalafi Cabdu Al Mudh-dhalib fii al dunyaa, fa
calayya mukaafa’atuhu ithaa laqiinii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qofka wax tara axad ka mid ah ubadka Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
anigay korkeyga tahay inaan uga abaal gudo, markuu ila kulmo.”
adduunkaan,
Xadiithka Afar iyo konton. Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬wuxuu ka wariyay Calii Allaha raalli ka
noqdee inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ كافأته يوم القيامة‬،‫"من صنع إلى أحد من أهل بيتي يدا‬
“Man sanaca ilaa axadin min Ahla Baytii yadan, kaa-fa’tuhu yawma al qiyaamati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qofka axad Ahly Baytkayga‫ أهل البيت‬ka mid ah gacan u geysta anigaa u gudaya maalinta
qiyaame.”
331
Xadiithka Shan iyo konton. Al Baaruudii\‫ البارودي‬wuxuu Abii Saciid\‫ إبي سعيد‬Allaha raalli ka
noqdee ka wariyay inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ وعترتي أهل‬،‫ وطرفه بأيديكم‬،‫ سبب طرفه بيد هللا‬،‫ كتاب هللا‬:‫"إني تارك فيكم ما إن تمسكتم به لن تضلوا‬
".‫ حتى يردا علي الحوض‬،‫ وإنهما لن يتفرقا‬،‫بيتي‬
"Innii taarikun fiikum maa in tamassaktum bihi lan tadilluu: Kitaaba Allaahi, sababun
Dharfuhu bi Yadi Allaahi, wa dharfuhu bi aydiikum, wa citratii Ahla Baytii, wa
innahumaa lan yatafarraqaa, xattaa yaridaa calayya al xawda.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Anigu waxaan idiinka tegayaa wax haddaad ku dhegtaan oo raacdaan aydnaan lumayn, waana
Kitaabka Ilaahay oo ah Xarig ay darftiisu ku jirto Gacanta Ilaahay, darafta kalena adinka
gacnihiinna, iyo caruurtayda Ahlu Baytkayga‫أهل البيت‬. Labadoodaas kala tegi mayaan, waxayna
iigu wada imaanayaan xawdka\‫الحوض‬.”
Xadiithka Lix iyo Konton. Axmad\‫ أحمد‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬waxay Zayd bin Thaabit ‫زيد‬
‫ بن ثابت‬Allaha raalli ka noqdee ka wariyeen inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫ وإنهما لن‬،‫ و عترتي أهل بيتي‬،‫ حبل ممدود ما بين السماء واألرض‬،‫ كتاب هللا‬:‫"إني تارك فيكم خليفتين‬
".‫ حتى يردا علي الحوض‬،‫يتفرقا‬
“Inni taarikunn fiikum khaliifatayni: Kitaaba Allaahi, xablun mamduudun la bayna Al
Samaa’i wa al ardi, wa citratii Ahla Baytii, wa innahumaa lan yatafarraqaa, xattaa yaridaa
calayya al xawda.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weey:
“Anigu waxaan idiinka tegay laba khaliifo (oo hawshayda iyo hanuuninta meesheeda kasii wada
aniga dabay oo sharciga Ilaahay dhaqan geliya): Kitaabka Ilaahay, oo ah xarig isku xira Samada
iyo arliga, iyo caruurtayda Ahlu Baytkayga‫أهل البيت‬. Labadoodaasna kala tegi mayaan, waxayna
iigu wada imaanayaan xawdka\‫الحوض‬.”
Xadiithka toddoba iyo kontonaad: Al Tarmithii\‫ الترمذي‬iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬iyo Al
Bayhaqii\‫“(البيهقي‬Shicbu Al iimaani\‫ )”شعب اإليمان‬waxay ka wada wariyeen Caa’ishah\‫عائشة‬
Allaha ayada iyo aabeheedba raalli ka noqdee inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫"ستت لعنهم هللا وكل نبي مجاب الزائد في كتاب هللا والمكذب بقدر هللا والمستلط بالجبروت فيعز من أذل هللا‬
".‫ويذل من أعز هللا والمستحل لحرم هللا والمستحل من عترتي ما حرم هللا والتارك لسنتي‬
“sittatun lacanahumu Allaahu wa kullu Nabiyyin mujaabun: al zzaa’idu fii Kitaabi Allaahi
wa al muk-thibu bi Qadri Allaahi wa al mustalidhu bi al jabruuti fa yucizzu man athalla
332
Allaahu wa yuthillu man acazza Allaahu wa al mustaxillu li xurami Allaahi, wa al
mustaxillu min citratii maa xarrama Allaahu wa al taariku li sunnatii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Lix qofka Ilaahay ayaa lacnaday iyo Nabi kasta oo ducadiisa la aqbalo:
(Kow) midka Kitaabka Ilaahay wax ku kordhiya oo Quraan aan Ilaahay soo dejin ku dara
(Laba) ninka Qadarka Ilaahay beeniya, iyo
(Saddex) ninka jabbaar daacadda Ilaahay ka baxa noqda oo markaas kor usoo qaada oo cizzi
siiyay kuwuu Ilaahay dulleeyey, dulleeyana oo hoos u dhiga kuwuu Ilaahay kor yeelay oo cizzi
siiyay, iyo
(Afar) midka xalaalaysta wuxuu Ilaahay xaaraantimeeyey, iyo
(Shan) kuwa caruurtayda u xalaalaysta wuxuu Ilaahay xaaraan ka dhigay iyo
(Lix) midka sunnadayda ka taga.”
(waagaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaaliya ka shaqayn jiray markuu sanadku ahaa
kun sagaal boqol sideed iyo sagaashan waxaan Agaasime Guud ka ahaa Waaxda arrimaha
siyaasadda ee dawladaha Asiya iyo Dawladaha Hantiwadaagga ah. Dibloomaasiyiinta shisheeye
oo aan la kulmi jiray waxaa ka mid aha Sii-Hayaha Safaaradda Jamhuuriyda Islaamka ah ee
Iiraan, ayadoo uusan markaas Danjire u joogin. Wax badan ayaan ninkaas, oo laftiisu shiico
ahaa, la kulmay aanna shiicada ka wareystay, waxyaaluhuu ii sheegay waxaa ka mid ahaa inuu
yiri: “shiicadu waxay leedahay Kitaab Quraan oo kiinna ka duwan. Kitaabka aad haysataan
waxaan u naqaanna “Musxafu Xafsah\‫ ”مصحف حفصة‬ahna “Kitaabka Quraan ee Xafsah” (Xafsana
‫ حفصة‬waxay ahayd hooyada mu’miniinta haweenta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam waxaana dhalay Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab\‫ أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee). Annaguna kitaabka aan
haysanno waxaa la yiraahdaa “Musxafu Faadhimah\‫ ”مصحف فاطمة‬ahna “Kitaabka Quraan ee
Faadhimah\‫ ”فاطمة‬wuxuuna kiinna dheer yahay kun Aayadood oo aan kiinna ku jirin.
Quraankaas masjidyada lama keeno oo waxaa haysta culumadeenna oo keli ah, masjidyadana
waxaa yaalla Quraanka aad adinku haysataan oo kale, si khilaaf aan loo abuurin.” Wuxuuna
dibloomaasigaas ii keenay kutubbo uu Quraanka zaa’idka ahi qaarkiis ku dhigan yahay oo ay
ayagu gacnohooda ku dhigteen kaddibna ay yiraahdeen waa Quraan. Hadda waxaan haya
kitaabka uu allifay Al Aluusii\‫ األلوسي‬oo la yiraahdo “Tuxfato Al Ithnaa Cashariya ‫تحفة اإلثى‬
\‫ ”عشرية‬ayna boggisa kow iyo soddon ku dhigan tahay Suurad aan Quraanka ku jirin oo la
yiraahdo “Suuratu Al Walaayah Sabca aayaatin\‫يات‬, ‫ ”سورة الوالية سبع‬oranaysana inuu Calii Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
dabadiis uu isagu khaliifo yahay!! Naskeeduna waa tanaa:
Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Yaa ayyuhaa allathiina aamanuu bi Al Nnabiyyi wa bi
al waliyyi allathayni bacathnaahumaa yahdiyaanikum ilaa siraadhin mustaqiimin(1)Nabiyyun wa
waliyyun bacduhumaa min bacdin wa anaa Al Caliimu Al Khabiiru(2)Inna allathiina yuufuuna bi
cahdi Allaahi lahum jannaatu al nnaciimi(3)Wa allathiina ithaa tuliyat calayhim aayaatunaa
kaanuu bi aayaatinaa kukath-thibiina(4)Inna lahum fii jahannma maqaaman cathiiman ithaa
nuudiya lahum yawma al qiyaamati ayna al th-thaalimuuna al mukath-thibuuna lil
mursdaliina(5)Maa khalaqahumu al mursaliina illaa bi al xaqqi wa maa kaana Allaahu li yuthhirahum ilaa ajalin qariibin(6)Wa sabbix bi xamdi Rabbika wa calaa al shaahidayni(7).”
333
Xadiithka sideed iyo kontonaad: Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu ka wariyay Cuthmaan bin
Caffaan\‫ عثمان بن عفان‬Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫"من تولى رجال من بني عبد المطلب معروفا في الدنيا فلم يقدر المطلبي على مكافءته فأنا أكافؤه عنه‬
".‫يوم القيامة‬
“man tawallaa rajulan min Banii Cabdu Al Mudh-dhalib macruufan fii al dduunyaa fa
lam yaqdir Al Mudh-dhalibiyyu calaa mukaafa’atihi fa anaa ukaafi’uhu canhu yawma al
qiyaamati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“qofka abaal u gala nin ka mid ah caruurta Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬adduunkaan, ninka
reer Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬ahna uu kari waayo inuu u abaal gudo, anigaa u abaal gudaya
maalinta qiyaame.”
Xadiithka sagaal iyo kontonaad: al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu kitaabkiisa taariikhda ku wariyay, Al
Daylamii\‫ الديلمي‬uu isaguna wariyay inuu Abii Saciid (Al Khudriyyi))‫ أبو سعيد (الخدري‬Allaha raalli
ka noqdee yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫"ثالث من حفظهن حفظ هللا له دينه ودنياه ومن ضيعهن لم يحفظ هللا له شئ حرمت األسالم وحرمتي‬
".‫وحرمة رحمي‬
“thalaathun man xafithahunna xafatha Allaahu lahu diinahu wa dunyaahu wa man
dayyacahunna lam yaxfathi Allaahu lahu shay’an: xurmatu al islaami wa xurmatii wa
xurmatu raximii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“saddex qofka dhawra Ilaahay wuxuu u dhawraa diintiisa iyo adduunkiisaba, qofka lumiyana
Ilaahay waxba uma dhawro: (Kow) xurmada islaamka iyo (Laba) aniga xurmadayda iyo
(Saddex) xurmada raximkayga, waa qaraabadaydee.”
Xadiithka Lixdanaad. Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Calii\‫ علي‬Allaha raalli ka noqdee ka wariyay
inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫ وخير قريش بنو هاشم‬،‫ وخير العرب قريش‬،‫"خير الناس العرب‬
“Khayru al nnaasi al carabu, wa khayru al acarabi qurayshun wa khayru qurayshin
Banuu Haashim.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadka waxaa ugu khayr badan Carabta\‫العرب‬, carabtana waxaa ugu khayr badan Quraysh\‫ قريش‬,
Qurayshna waxaa ugu khayr badan Banii Haashim\‫بني هاشم‬.”
334
“Aabahay iyo hooyaday waan u shafeeco qadayaa”
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu wariyay inuu Tammaam\‫ تمام‬kitaabkiisa “Al Fawaa’idu\‫”الفوائد‬
silsilad taag daran ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬uga wariyay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam yiri:
".‫"إذا كان يوم القيامة شفعت ألبي وأمي‬
“ithaa kaana yawma al qiyaamati shafactu li abii wa ummii”
oo macneheedu yahay:
“markay tahay maalinta qiyaame waan u shafeeco qaadayaa aabahay iyo hooyaday.”
Nabi Muxammadna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam maalinta qiyaame gaal
uma shafeeco qaadayo.
Qaalli Abuu Bakr\‫القاضي أبو بكر‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Qaalli Abuu Bakr\‫أبوبكر‬, ahna mid ka mid ah a’immada maalikiyada ayaa waxaa la waydiiyay
nin yiri:
“Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam aabihiis wuxuu ku jiraa naarta”.
Wuxuu ku jawaabay inuu ninkaasu malcuun yahay naxariista Ilaahay laga fogeeyey ayadoo uu
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬yiri:
ِ
َِّ
ُّ ‫ون اللَّهَ وَر ُسولَهُ لَ َع َنهُم اللَّهُ ِفي‬
)57( ‫َع َّد لَهُ ْم َع َذ اابا ُم ِه اينا‬
َ ‫الد ْن َيا َو ْاْلَخ َ ِرة َوأ‬
َ ‫ين ُي ْؤُذ‬
َ ‫إِ َّن الذ‬
ُ
َ
Mana jirto dhibaato ka wayn in la yiraahdo aabihiis naartuu ku jiraa..” Waa intaas warkiisu.
Cumar bin Cabdu Al Caziiz\‫عمر بن عبد العزيز‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬, Abuu Nucaym\‫أبو نعيم‬, Al Harawii\‫ الهروي‬ka
wariyay, kuna saabsan xumaanta in Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
wax dhibaya lagu hadlo, inuu nin madaxda Shaam\‫ الشام‬ka mid ahaa uu nin kale tuulo ka mid ah
tuulooyinka muslimiinta u xil saaray, kaasoo aabihiis uusan hawshaas u qalmin shaqada uu hore
qabin jiray daraadeed.
Markaasuu warkaasuu Cumar bin Cabdu Al Caziiz\‫( أمير المؤمنين عمر بن عبد العزيز‬oo Amiiru Al
Mu’miniina ah) gaaray, markaasuu wuxuu ku yiri:
“maxaa kugu xambaaray inaad xilka tuulo ka mid ah tuulooyinka muslimiinta u dhiibtid nin uu
aabihiis ahaa “yazinu bi al manaaniyata\‫?”يزن بالمنانية‬
Markaasuu wuxuu yiri:
“Ilaahay ha suubiyo Amiiru Al Mu’miniinta : oo maxaa isaga uga jira wuxuu aabihiis ahaa? Oo
aabaha Nabiguba Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gaal ayuu ahaa!”
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu yiri:
“aah!”
335
Kaddibna wuu aamusay, markaasuu madixiisa kor u qaaday uuna yiri:
“ma carrabkiisaan gooyaa? Ma gacantiisa iyo lugtiisaan gooyaa? Ma madaxaan ka gooyaa?”
Kaddibna wuxuu yiri:
“intaan noolahay oo dambe xil ii qaban maysid!”
Wuxuuna ninkaas ka saaray Diiwaanada muslimiinta magacdooda iyo xilalkoodu ku yaallaan oo
lacagta bil walba laga siiyo.” Waa intaas warka Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬.
Jimce walba acmaasha ummaaddiisa ayaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam loo bandhigaa
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu kitaabkiisa Al Tathkirah\‫ التذكرة‬ku wariyay inuu Rasuulka Ilaahy,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ وتعرض على األنبياء وعلى األباء واألمهات يوم‬،‫" تعرض االعمال يوم األثنين ويوم الخميس على هللا‬
".‫ فإتقوا هللا عباد هللا التؤذوا موتاكم بأعمالكم‬.‫ فيفرحون بحسناتهم وتزداد وجوههم بياضا وتشرق‬،‫الجمعة‬
"Tucradu al acmaalu yawma al ithnayni wa yawma al khamiisi calaa Allaahi, wa tucradu
calaa Al Anbiyaa'i wa calaa al aabaa'i wa al ummahaati yawma al jumucati, fa yafraxuuna
bi xasanaatihim wa tazdaadu wujuuhuhum bayaadan wa tashruqu. Fa ittaquu Allaaha
cibaada Allaahi: laa tu'thuu mawtaakum bi acmaalikum".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Acmaasha (aad sameysaan) waxaa la hor geeyaa oo loo soo bandhigaa Ilaahay maalinta isniinta
ah iyo maalinta khamiista ah, waxaana loo soo bandhigaa Anbiyada iyo aabayaalka iyo
hooyooyinka (hore u dhintay) maalinta jimcaha ah.
Markaasey ku farxayaan xasanaadkooda (waa acmaasha suusuuban oo ay sameeyeen kuwooda
adduunkaan ku sugan) wajiyayooduna waxaa u kordhaya caddaan iyo kaah. Marka Ilaahay ka
dhawrsada addoommada Ilaahayow, oo amwaaddiinna (waa kuwa idinka dhintaye) ha ku dhibina
acmaashiinna (xun xun oo aad ama sameysaan ama aad tiraahdaan)".
Waa Xadiithka labakun iyo afar boqol iyo sagaal iyo toban ee Abuu Daauud\‫أبوداود‬, waxaa kaloo
wariyay Axmad\‫( أحمد‬mujalladka shanaad boggaa laba boqol iyo mujalladka labaad bogga afar
boqol afar iyo afartan) iyo Al Bayhaqii\‫( البيهقي‬mujalladka afaraad bogga laba boqol saddex iyo
sagaashan) iyo kuwo kaleba.
"Kuwa dhintay ha caayina oo aad markaas dhibtaan kuwa nool"
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu kitaabkiisa Al Mucjamu Al Saghiiru\‫ المجمع الصغير‬ku wariyay inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"التؤذوا األحياءء بسب األموات‬
"La tu'thuu al axyaa'a bi sabbi al amwaati",
oo macneheedu yahay:
"Kuwa nool ha ku dhibina cayda kuwa dhintay".
336
Axmad\‫ أحمد‬iyo Al Tirmithii\‫ الترمذي‬waxay Al Mughiirah bin Shucbah\‫ المغيرة بن شعبة‬ka wariyeen
inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"ال تسبوا األموات فتؤذوا األحياء‬
"Laa tasubbuu al amwaata fa tu'thuu al axyaa'a",
oo macneheedu yahay:
"Kuwa dhintay ha caayina oo aad markaas dhibtaan kuwa nool."
Shakina kuma jiro inay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhibiddiisu
gaalnimo tahay, qofka sidaas yeelana la dilayo oo uu sidaas dhiiggisu xalaal yahay hadduusan ka
tawbad keenin.
Maalikiyadu waxay qabtaa in qofkaas mar kasta la dilo haddii lagu marag kaco inuu sidaas
yeelay, isaguna uu inkiro, ama kaba tawbad keenana waa la dilayaa maydkiisana waa la
dhaqayaa, laguna tukanayaa, xabaalaha muslimiintana lagu aasayaa.
Hadduusanse sidaas yeelin, oo uusan inkirin ama ka tawbad keenin gaal ahaan ayaa loo dilayaa,
qubuuraha gaalada ayaana lagu duugayaa ayadoo aan la dhaqin laguna tukan. Sidaas waxaa qaba
Shaaficiyada.
Marka xukunka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis waxaa weeye
inay labadooduba badbaadeen oo ay Jannada ku jiraan, taasoo ku timid:
Kow. Ayagoo la soo nooleeyey oo ay aamineen, siday u sugeen Al Xaafith Al Suhaylii ‫الحافظ‬
‫ السهيلي‬iyo Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬iyo Naasiru Al Diini Al Muniir\‫ناصر الدين المنتر‬.
Labo. Ama Ayagoo zamanka fatrada ku dhintay Bicthada\‫ البعثة‬horteed, taasoo horteed ayan
cathaabi jirin.
Saddex. Ama ayagoo ku taagnaa Diinta Al Xanafiyyah \‫ الحنفية‬iyo Tawxiidka\‫التوحيد‬, gaalnimana
aan la imaan, siday u sugeen imaamyada Al Sanuusii\‫ السنوسي‬iyo Al Tilimsaanii\‫التلمساني‬, kanoo
dambeeyey oo sharxay oo leh xaashiyada kitaabka Al Shifaa'\‫ الشفاء‬ee Qaadi Ciyaad\‫القاضي عياض‬.
Wuxuu Al Zarqaanii kusoo gunaanaday oo uu yiri: "Kuwaasi waxay ahaayeen nusuustii
(daliilladii qoraalka ahaa) culummadeenna, ghayrkoodna kama aanan arag wax khilaafsan, intaan
ahayn midka dabaysha ka qaata nafta (oo hawadiisa ku nool) ee Ibnu Daxyah \‫إبن دحية‬, taasoo uu
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬uu u jawaabiddiisa kafaalo qaaday."
Imaam Al Sayuudhii\‫ اإلمام السيوطي‬wuxuu dhigay lix kitaab oo waaweyn, uuna ku daliilinayo
inay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis, Allaha u naxariisto
raallina ka noqdee, ay iimaan la yimaadeen marka la soo nooleeyey.
Kitaabkiisa Masaaliku Al Xunafaa'i\‫ مسالك الحنفاء‬wuxuu kaloo ku tiriyay qasiido dheer oo
arrinkaas ku saabsan oo aan hoos ku warinnaynno, uuna Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬kusoo guuriyay
Mujalladka koowaad, bogga saddex boqol iyo konton ee kitaabkiisaan Sharxu Al Mawaahib ‫شرح‬
\‫الموهب‬.
337
Al Xaafith Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫الحافظ إبن حجر العسقالني‬, wuxuu kutubbadiisa qaarkood ku
yiri:
"Waxaana lagu wadaa inay qoyskiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Bicthada horteed
dhintay, ay imtixaanka maalinta qiyaame Ilaahay adeecayaan, oo sidaan hore ayadoo tifaftiran
usoo guurinnay, ay markaas Jannada gelayaan, karaamayn Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lagu karaameynayo".
Al Xaafith Ibnu Xajar Al Casqalaani\‫الحافظ إبن حجر العسقالني‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Ibnu Xajarna\‫" إبن حجر‬Waxaa lagu wadaa" iska oran mayo hadduusan xujjooyin sida maalinta u
cadcad haysan. Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu kitaabkiisa Al Axkaamu\‫األحكام‬, Al Sayuudhina
‫ السيوطي‬kitaabkiisa Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku yiri:
"Annaguna waxaan rajeyneynaa inuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo qoyskiisu ay jannad
galaan, lana galaan kuwa Ilaahay adeecay, oo uu markaas badbaado".
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬marka asxaabu al fiili ay Makkah\‫ مكة‬yimaadeen uu yiri:
)1(Laahumma inna al cabda yamnacu raxlahu fa amnac xalaalaka. (2) Laa yaghlibanna
saliibuhum wa maxaaluhum ghadwaa maxaalika."
Oo ducadaas gabayga ah macneheedu waxaa weeye: ")2(Ilaahayow addoommadu guryohhoda
way ilaashadeen oo daafaceen, marka Adiguna Guryahaaga ilaasho oo daafac. (2) Ha oggolaanin
inay krishtadooda iyo hubkoodu ay berrito hubkaaga ka xoog bataan."
Al Zarqaani‫الزرقاني‬/Al Qasdhalaanii\‫القسطالني‬
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
“Saxiixu Muslim\‫ صحيح مسلم‬waxaa kaloo ku sugan inuu nin u yimid Nabiga Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uuna yiri:
“Rasuulka Ilaahayow aabahay xaggee ku sugan yahay?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"في النار‬
“fii al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“naartuu ku jiraa.”
Markuu ka gadoomay ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yeeray
wuxuuna yiri:
338
".‫"إن أبي وأباك في النار‬
“inna abii wa abaaka fii al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“aniga aabahay iyo adiga aabahaaba waxay ku jiraan naarta.”
Al Zarqaani\‫الزرقاني‬i wuxuu yiri:
“waxaa kaloo wariyay Abuu Daauud\‫أبو داود‬, labadooduna waxay ka wariyeen Xammaad bin
Salamah\‫ حماد بن سلمة‬oo ka wariyay Thaabit\‫ ثابت‬oo ka wariyay Anas\‫أنس‬:
" inuu nin, ninkuna waa Abuu Raziin Al Cuqaylii\‫ أبو رازن العقيلي‬siduu u yiri ibnu Abii
Khaythamah\‫إبن أبي خيثمة‬, ama waa Xusayn bin Cubayd\‫ حسين بن عبيد‬aabaha dhalay Cimraan
‫ عمران‬siduu u wariyay ibnu Rashiid\‫إبن رشيد‬.
Kitaabka Al Burhaan\‫ البرهان‬wuxuu raacay midda hore wuxuuna sheegay inuu aabaha dhalay
abii Raziin islaamay, magaciisuna waa Caamir bin Sabarah\‫عامر بن صبرة‬, inuu u yimid uuna yiri:
“Rasuulka Ilaahayow! Aabahay xaggee ku sugan yahay?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"في النار‬
“fii al nnaari”,
oo macnihiisu yahay:
“naarta dhexdeeduu ku jiraa.”
Musnadka imaam Axmad\‫ مسند إمام أحمد‬wuxuu wariyay:
“Abaa Raziin\‫ أبا رازن‬wuxuu weydiiyay:
“hooyaday xaggee ku sugan tahay?”
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam sidaas yiri.
Kitaabka Al Burhaanu\‫ البرهان‬wuxuu ku mideeyey labadaas inuu ninku marka hore aabihiis ka
wareystay, marka dambena uu hooyadiis ka wareystay. Waxaana hubaal ah inuu aabihiis
islaamay (muslin naarta geli mayo).
Markaasuu markuu gaddoomay oo uu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam qadaadkiisa xijiyay ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri:
".‫" إن أبي وأباك في النار‬
“inna abii wa abaaka fii al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“aniga aabahay iyo adiga aabahaaba waxay ku jiraan naarta.”
339
Hadalkaanu wuxuu si sariix ah oo cad uga soo horjeedaa Xadiithka wariyay inay aabihiis iyo
hooyadiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la soo nooleeyey oo ay aamineen
oo islaameen. Wuxuu kaloo kasoo hor jeedaa warka Al Rraazii\‫ الرازي‬iyo warka inta tiri inay
labadooduba ka mid yihiin ahlu al fitrah\‫ أهل الفترة‬oo ayan dacwadu gaarin. Jawaabtu waxaa
weeye inuu Xadiithkaanu mansuukh\‫ حديث منسوخ‬yahay oo uusan ku dhaqan sharci lahayn
waxaan nasakhay Aayaadaha Quraanka ah iyo axaadiithta ku saabsan ahlu fitrada \‫أهل الفترة‬,
markuu “aniga aabahay” leyahayna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu
ka wadaa adeerkiis Abaa Dhaalib\‫أبو طالب‬, ayadoo ay carabtu adeerka run ahaan tiraahdo aabe,
ama isagoo uu soo koriyay carabtuna ay ninka soo koriyay aabe yiraahdaan, ama isagoo
Xadiithkaanu yahay mid uu nin kali ah wariyay “aaxaad\‫ ”أحاد‬aanna diidi karin oo ka hor imaan
karin waxa la hubo oo sugan oo nas ah:
‫ث َرس ا‬
َ ‫َو َما ُكنها ُم َع ِّذبِينَ َحتهى نَ ْب َع‬
)25( ‫ُوًل‬
“wa maa kunna mucath-thabiina xattaa nabcatha Rasuulan(15)”
ahna Aayadda shan iyo tobnaad ee Suuratu Al Israa’\‫ سورة اإلسراء‬oo macneheedu yahay:
“mana aanan ahayn kuwa cathaaba jeer aan Rasuul soo dirno(15).”
Al Ssayuudhii\‫السيوطي‬: Xadiithka Muslim\‫ مسلم‬xujjo ma aha
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Xadiithkaan Muslim\‫ مسلم‬uu wariyay, siduu Al Ssayuudhii\‫ السيوطي‬u yiri: “uma qalmo “laa
yuslixu\‫ ”اليصلح‬in xujjo laga dhigto ayadoo uu Muslim‫ مسلم‬gooni ugala baxay Al Bukhaarii
‫البخاري‬.
Axaadiithta uu Muslim\‫ مسلم‬gooni ugala baxay Al Bukhaariina\‫ البخاري‬waxaa ku jira axaadiith
wax laga sheegay oo la duray, ayna u badan tahay inuu midkaanu ka mid yahay. Waxaana u
sabab ah inuu Thaabit\‫ثابت‬, in kastoo uu ahaa imaam lagu kalsoon yahay, ibnu Cadiyyi \‫إبن عدي‬
wuxuu ku daray ducafada wuxuuna yiri: “waxaa axaadiithtiisa laga helay rag ka wariyay oo aan
la aqoon oo majhuuliin ah, sabtuna ay tahay inuu ducafo ka wariyay.” Waa intaas warkiisu.
Al Suhaylii\‫السهيلي‬: Xadiithka Macmar bin Raashid\‫معمر بن راشد‬: waa qalad!
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu Xadiithkaan ku cilleeyey inuu Macmar bin Raashid\‫معمر بن راشد‬
warintiisa uu Thaabit\‫ ثابت‬ka wariyay kanoo Anas\‫ أنس‬ka wariyay ay ka duwan tahay oo
khilaafsan tahay warinta Xammaad\‫حماد‬, oo ma uusan warin:
".‫"إن أبي وأباك في النار‬
“anna abii wa abaaka fii al nnaari” oo ah “aniga aabahay iyo adiga aabahaaba waxay ku jiraan
naarta.”
Bal wuxuu wariyay inuu Sallaa Allaahu Clayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
340
".‫"إذا مررت بقبر كافر فبشره بالنار‬
“ithaa mararta bi qabri kaafirin fa bash-shirhu bi al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“mar kastoo aad qabri gaal ag martid ugu bishaaree naarta.”
Waana sidaas uu u yiri ayadoo uu Macmar\‫ معمر‬warinta uga sugan yahay Xammaad\‫حماد‬, ayadoo
ay labada Shaykh\‫( الشيخان‬Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim‫ )مسلم‬ay isku waafaqeen warinta
Axaadiith-ta uu wariyay, aanna xifthigiisa la durin axaadiith-ta uu wariyayna aan waxna laga
diidin oo la wada qaatay.
Xammaadna\‫ حماد‬in kastoo uu ahaa imaam, caalim ah, caabid ah, hadana jamaaco ayaa
riwaayadiisa ka hadlay, Al Bukhaarina\‫ البخاري‬Saxiixiisa\‫ صحيح‬xadiithna kama warin.
Muslimna\‫ مسلم‬kama soo warin usuusha waxaan ahayn xadiithkiisaan uu Thaabit\‫ ثابت‬ka
wariyay.” Waa intaas warkiisu ayuu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬yiri.
Xadiithkaanna wuxuu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ku wariyay kitaabkiisa “Al Rawdu Al Unuf” ‫الروض‬
‫ األنف‬mujalladka koowaad bogga laba boqol sagaal iyo sagaashan.
Al Th-thahabii\‫الذهبي‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu yiri:
“Xammaad\‫ حماد‬waa lagu kalsoon yahay wuxuuna leeyahay “awhaam\‫ ”أوهام‬ahna qaldaad aan ula
kac ahayn iyo “manaakiir\‫ ”مناكير‬badan oo munkar\‫ منكر‬waa Xaadiith uu qof keligiis wariyay oo
khilaafsan isla xadiithkaas oo dad kale oo badan wariyeen oo lagu kalsoon yahay.
Waxayna oran jireen in kutubtiisa axaadiith la dhex geliyay oo lagu daray: “innahaa dusat fii
kutibihi\‫”إنها دست في كتبه‬.
Waxaana kutubtiisa ku daray wiil ay haweentiisu nin kale u dhashay oo rabiibkiisa ahaa
magaciisuna ahaa ibnu Abii Al Cawjaa’\‫إبن أبي العوجاء‬.
Xammaadna\‫ حماد‬ma xafthin jirin oo korka kama qaban jirin markaasuu dadka u wariyay oo
sidaas qalad uusan ula kicin ku dhacay.
Sidoo kale Al Bukhaarii\‫ البخاري‬axaadiithtiisa ma warin, marka Xadiithka Macmar\‫ معمر‬ayaa ka
sugan waana helnay, Xadiithkiisana (waa Xammaad\‫ )حماد‬waxaa lagu beeniyay kuwa la mid ah
riwaayada Macmar\‫ معمر‬uu ka wariyay Anas\‫أنس‬, iyo Xadiithka Sacd bin Maalik‫سعد بن مالك‬, iyo
Xadiithka ibnu Cumar\‫إبن عمر‬. (Sacad bin Maalik waa Sacad bin Abii Waqqaas oo aabihiis Abuu
Waqqaas magaciisu wuxuu ahaa Maalik: xasanwali)
341
Xadiithka Sacd bin Abii Waqqaas\‫ سعد بن أبي وقاص‬ee Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, Al Bazzaar\‫البزار‬
iyo Al Dhabraanii\‫الطبراني‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Th-thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu yiri: “Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Al Bazzaar\‫ البزار‬iyo Al Dhabraaniina
‫ الطبراني‬ku wariyay Al Kabiir\‫ الكبير‬sanad uu isagu leeyahay ahna ragga Kutubbada Saxiixa ah,
kana wariyeen Sacd bin Abii Waqqaas\‫ سعد بن أبي وقاص‬inuu yiri:
:‫ "فأين أبوك؟" قال‬:‫ قال‬،"‫ "في النار‬:‫ "يا رسول هللا! أين أبي؟" قال‬:‫ فقال‬،‫"أن أعرابيا أتى النبي صلى هللا عليه وسلم‬
،‫ "لقد كلفني رسول هللا صلى هللا عليه وسلم تعبا‬:‫ فقال‬،‫" فأسلم األعرابي بعد‬.‫"حيثما مررت بقبر كافر فبشره بالنار‬
".‫ما مررت بقبر كافر إال بشرته بالنار‬
“nin reer miyi ah ayaa Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yimid
wuxuuna ku yiri:
“Rasuulka Ilaahayow! Aabahay xaggee ku sugan yahay?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"في النار‬
“fii al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“wuxuu ku jiraa naarta.”
Ninku wuxuu yiri: “aabahaana xaggee ku sugan yahay?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"حيثما مررت بقبر كافر فبشره بالنار‬
“xaythamaa mararta bi qbri kaafirin fa bash-shirhu bi al nnaari”
oo macnihiisu yahay:
“mar kastoo aad qabri gaal ag martid ugu bishaaree naarta.”
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Bayhaqii‫ البيهقي‬waxay intaas ku kordhiyeen:
“kaddib ninkaas reer miyiga ahi wuu islaamay, wuxuuna yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam wuxuu igu kallifay oo ii
xilsaaray wax i daaliyay, oo mar kastoo aan qabri gaal ag maro waxaan ugu bishaareeyaa
naarta.”
Xadiithka ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬ee ibnu Maajah\‫إبن ماجة‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Th-thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu yiri:
“Ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬wuxuu ibnu Cumar\‫ غبن عمر‬ka wariyay inuu yiri:
342
".‫ "في النار‬:‫ فأين هو؟" قال‬،‫ "إن أبي كان يصل الرجم وكان وكان‬:‫ فقال‬،‫"جاء أعرابي إلى النبي صلى هللا عليه وسلم‬
،‫" فأسلم األعرابي بعد‬.‫ فبشره بالنار‬،‫ "حيثما مررت بقبر كافر‬:‫ "أين أبوك أنت؟" فقال‬:‫ فقال‬،‫فكأنه وجد من ذلك‬
".‫ ما مررت بقبر كافر إال بشرته بالنار‬،‫ "لقد كلفني رسول هللا صلى هللا عليه وسلم تعبا‬:‫فقال‬
“nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
wuxuuna yiri:
“aabahay wuxuu ahaa mid riximka xiriiriya, wuxuuna ahaa sidaas iyo sidaas, marka hadda xagge
ku sugan yahay?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa sallam yiri:
".‫"في النار‬
“fii al nnaari”
oo ah
“naarta ayuu ku jiraa.”
Markaasaa waxaad mooddaa inuu ninku warkaas ka xanaaqay markaasuu wuxuu yiri:
“adiga aabahaana xaggee ku sugan yahay?”
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"حيثما مررت بقبر كافر فبشره بالنار‬
“xaythamaa mararta bi qbri kaafirin fa bash-shirhu bi al nnaari”
Oo macnihiisu yahay:
“Meel kastoo aad ku ag martid qabri gaal naarta ugu bishaaree.”
Markaasuu ninka reer baadiyaha ahi islaamay kaddib wuxuuna yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu igu kallifay oo ii
xilsaaray wax i daaliyay, oo mar kastoo aan qabri gaal ag maro waxaan ugu bishaareeyaa
naarta.”
Ninku wuxuu ahaa reer baadiye wuxuuna halis u yahay inuu fitnoobo iyo inuu diinta ka baxo oo
riddoobo, Al Musdhafaana\‫ المصطفى‬Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam markuu nin reer miyi ah wax weydiiyo uuna ka baqo inuu hadal cad oo faseex ahi uu ugu
jawaabo uu ninkaas fitneeyo qabligiisuna isku dardarsamo, wuxuu ugu jawaabaa jawaab
“tawriyah wa iihaam\‫ ”تروية وإيهام‬ah, ahna sarbeeb.
Xadiithkaanna waa sidaasoo kale isagoo aan si sariix ah oo caddaan u sheegin taasoo ay u geysey
edebtiisa kariimka ah Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuuse yiri: ‫حيثما‬
‫“ مررت‬xaythumaa mararta…”.
Middaanna, waana jawaabta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ma aha
jumlad tusaysa inuu meeshuu aabihiis ku jiro ay tahay isla meeshuu ninka aabihiis ku jiro oo ay
343
isla meel yihiin. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam kahday inuu
xaaladda runta ka sheego si caddaan ah iyo inuu isaga aabihiis meeshuu ku jiro ay khilaafsan
tahay meeshuu ninka aabihiis ku jiro, sidaasna uu u yeelay cabsi uu ka qabo inuu diinta ka
noqdo, ayadoo ay naftu kahanayso in laga fiicnaado. Ayadoo ay carabtu ahaayeen dad qallalan
oo qalbi adag wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ninkaas siiyay jawaab
sarbeeb ah oo qalbigiisa dejisa.
Marka waxaa halkaas ka dhalanaysa in erayada Xadiithkaan lagu kalsoonaado, lagana hor
mariyo ghayrkiis. Ziyaadaduna (inuu ninku islaamay) si uusan shaki ku jirin inuu lafdigaan guud
(ahna ‫“ حيث‬xaythu…) uu yahay midka ka yimid Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam, iyo inuu ninka reer miyiga ahi uu arkay islaamiddiisa dabadeed: inay sidaas tahayna
waxaa u daliil ah inuu isagoo muslin ah keli raaci karo oo fulin karo amarka Nabiga Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo uusan markaas dariiq kale u furnayn inuu
amarkaas fuliyo mooyee (waana inuu mar kasta oo uu qabri gaal ag maro uu naarta ugu
bishaareeyo, ayadoo uusan gaal Nabinimmadiisa iyo Rasuulnimadiisa Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam aqoonsanayn, Rasuulnimana ugu yeereyn).
Hadday jawaabta Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ahaan lahayd sida
Xadiithka hore (waana midku Xammaad\‫ حماد‬wariyay ee Muslim\‫ )مسلم‬wax macne ah oo ay
sameyneyso in amarkaas la siiyo ma jirto (isagoo gaal ah weeye).
Marka ogow oo u cilmi yeelo inay taasu ku timid (waana Xadiithka Xammaad\‫ )حماد‬tasarrufka
ragga Xadiithka wariyay, dariiqaan aan hadda sheegnayna uu yahay mid si xeel dheer u sugan.
Taas ayaa u sabab ah inay Xuffaadda qaarkood yiraahdeen:
“haddaanan Xadiithka ka qorin lixdan waji –dariiq oo kala duwan oo lagu wariyay- ma
garannaynno” kuna timid ikhtilaafka ragga wariyay oo silsiladda ku jira iyo alfaaddiisaba waa
erayadiisee.
Bal haddaaban ka dhigno inay ragga wariyay Xadiithkaan oo idil isku wada raacaan lafdiga
Muslim\‫مسلم‬, markaasna wuxuu kasoo horjeedaa daliilka Aayadaha Quraanka iyo daliillada ku
sugan ahlu al fitrah\‫أهل الفترة‬.
Xadiithka saxiixa ahna hadday ka horyimaadaan oo diidaan daliillo kale waxaa waajib
noqoneysa in Xadiithka la fasiro oo markaas daliillada cusub isaga laga hormariyo, sida ku sugan
Usuusha‫األصول‬.” Warkiisu waa intaas oo lasoo koobay ayuu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬yiri.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬mar kale
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“hore ayaanna usoo sheegnay tafsiirkiisa. Marka haddii la yiraahdo: waxaad sheegtay oo sugtay
in dadka ahlu al fitrah\‫ أهل الفترة‬ah aan xukun lagu ridayn jeer la imtixaano, marka sidee buu
noqonayaa xukunka Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam inuu ku yiraahdo ninka
meeshuu aabihiis ku jiro wediiyay inuu ku jiro naarta?”
344
Al Ssayuudhii‫السيوطي‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri: “Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬ayaa ka jawaabay oo yiri:
“in loo waxyooday Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam inuu aabihiis marka la
imtixaano uu caasinayo, oo uu markaas ku xukumay inuu ehelu naar yahay iyo inay
axaadiithtaani ka horreysey axaadiithka ku saabsan ehelu fitrada\‫ أهل الفترة‬oo uu sidaas markaas
ku yahay mansuukh\‫ منسوخ‬aan ku dhaqan lahayn, iyo in la suurto geliyo inuu aabihii noolaa ilaa
uu bicthada\‫ البعثة‬kasoo gaaray ay risaaladuna gaartay oo uu ku adkaystay gaalnimadiisa oo uu
isagoo gaal ah dhintay zamanka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo
ussan sidaas wax cudur daar ah u lahayn.” Waa intaas warkiisa ayuu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬yiri.
Intuu ahaa zamanka fatrada\‫زمن أهل الفترة‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Markay fuqahadu\‫ الفقهاء‬ka hadlaan fatrada waxay ka wadaan zamanka u dhexeeya Ciise \‫عيسى‬
iyo Nabigeenna Calayhimussalaato Wa Al Ssalaamu.
Al Bukhaariina\‫ البخاري‬wuxuu Salmaan Al Faarisii\‫ سلمان الفارسي‬ka wariyay inuu isagu yiri:
“zamankaas fatradu waxay ahayd lix boqol oo sano.”
Ibnu Kathiirna\‫ إبن كثير‬wuxuu yiri:
“middaan ayaa caansan”.
Qataadah\‫ قتادة‬wuxuu yiri:
“shan boqol iyo lixdan sano.”
Al Kalbiyyu\‫ الكلبي‬wuxuu yiri:
“shan boqol iyo afartan sano.”
Ayagaas ghayrkoodna waxay yiraahdeen:
“afar boqol oo sano.”
Xadiithka Al Miswaru bin Makhramah\‫ المسور بن مخرمة‬ee Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim
\‫مسلم‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
".‫"ومنها أنه ال يتزوج على بناته‬
“Wa minhaa annahu laa yatazawwaju calaa banaatihi“Wa minhaa annahu laa
yatazawwaju calaa banaatihi.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye, waana isagoo tirinaya deeqaha Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isaga keligiis gooni lo siiyay:
“Deeqahaasna waxaa ka mid ah inaan gabdhihiisa lala guursan Karin oo ay xaaraan (‫)يحرم‬
tahay”,
345
oo macneheedu yahay: waa xaaraan in gabdhihiisa ayadoo la qabo gabar ama haween kale lala
guursado.
(Fa cani Al Miswari ibnu Makhramah) ibnu Nawfal bin Uhayb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah
Al Qurashiyyi Al Zzuhriyyi, abii Cabdi Al Rrraxmaani ‫المسور إبن مخرمة إبن نوفل بن أهيب بن عبد مناف‬
‫ أبي عبد الرحمن‬،‫ بن زهرة القرشي الظهري‬oo ay isaga iyo aabihiis iyo hooyadiis Caatikah bintu
Cawf\‫ عانكة بنت عوف‬oo ah walaasha la dhalatay Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf ‫عبد الرحمن بن‬
\‫عوف‬, waxay wada ahaayeen saxaabiyiin, wuxuuna dhashay laba sano Hajirada dabadeed,
wuxuuna Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka xifthiyay Axaadiith,
labada saxiixaynna\‫( الصحيحين‬waana Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ )مسلم‬waxaa ku yaalla
dariiqyada Xadiithkaan lagu wariyay qaarkood wuxuu Al Miswaru‫ المسور‬ku yiri:
‫ وهذا يدل على أنه ولد قبل الهجرة لكن أطبقوا على أنه ولد‬،‫"سمعت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم وأنا يومئذ محتلم‬
‫ بالضم يريد أنه كان عاقال ضابطا لما‬،‫ ال من الحلم‬،‫ بالكسر‬،‫ وقد تأول بعضهم قوله محتلما على أنه من الحلم‬،‫بعدها‬
".‫يتحمله‬
.
“samictu Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wa anaa
yawma’ithin muxtalumun, wa haathaa yadullu calaa annahu walada qabla Al Hijrati
laakin adhbaquu calaa annahu walada bacdaha, wa qad ta’awwala bacduhum qawlahu
muxtalumun calaa annahu mina al xilmi, bi al kasri, laa mina al xulmi, bi al dammi,
yuriidu annahu kaana caaqilan daabidan limaa yataxammaluhu”.
Hadalkaas macnihiisu waxaa weeye:
“waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaabhu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam anigoo
maalintaas caqli leh oo waxaan maqlo oo xafitho garanaya macneheeda. Taasu waxay ku
tusaysaa inuu dhashay Hijrada horteed laakiin dad baa waxay ku dabbaqeen inuu dhashay
Hijrada dabadeed, oo waxay eraygiisa muxtalamun u fasirteen inuu ka yimid al xilmi\‫ الحلم‬oo
xa’du\‫ ح‬hoos dhaban tahay, uusanna ka imaan al xulumu\‫ الحلم‬oo godan, uuna ka wado inuu
markaas ahaa caaqil garanaya macnaha wuxuu xafiday”.
Wuxuuna dhintay sanadka afar iyo lixdan waxaana dilay dhagaxa kusoo dhacay oo ka mid ahaa
dhagaxda manjaniiqa laga soo tuurayay markuu jayshka uu soo diray Yaziid bin Mucaawiyah
‫ يزيد بن معاوية‬usoo diray Cabdu Allaahi bin Al Zzubayru\‫( عبد هللا بن الزبير‬oo Makkah\‫ مكة‬jooga oo
Amiiru Al Mu’miniina\‫ أمير المؤمنين‬ka noqday: kan warka xasanwali waaye).
Dhagaxu wuxuu kusoo dhacay isagoo taagan oo tukanaya, markaasuu shan maalmood noolaa
wuxuuna dhintay maalinta Makkah\‫ مكة‬la keenay warka sheegaya inuu Yaziid\‫ يزيد‬dhintay, sida
ugu xusan kitaabka Al Isaabah\‫األصابة‬.
Al Miswaru wuxuu yiri inuu maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaahu Calayhi Wa Sallam oo oranaya:
:‫"أنه سمع رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يقول‬
،‫ ثم ال آذن لهم‬،‫ فآل آذن لهم‬،‫"إن بني هاشم بن المغيرة إستأذنوني في أن ينكحواإبنتهم علي بن أبي طالب‬
‫ فإنما إبنتي بضعة مني يريبني ما‬،‫ إال أن يحب إبن أبي طالب أن يطلق إبنتي وينكح إبنتهم‬،‫ثم الآذن لهم‬
".‫ ويؤذيني ما آذاها‬،‫رابها‬
346
“annahu samica Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam calaa
al minbari yaquulu: “inna Banii Haashim):
“waxaa dhacday inay reer Banii Haashim‫ بني هاشم‬, sidaas ayuuna u wariyay saxiixu Muslim
‫مسلم‬, sawaabtuna waxaa weeye sida uu u wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬oo yiri Hishaam\‫( هشام‬bin
Al Mughiirah‫ ) بن المغيرة‬Al Makhzuumii\‫المخزومي‬, ayadoo ay Banuu Hishaam\‫ بنو هشام‬yihiin
adeerrada gabadha Abuu Jahal\‫ أبو جهل‬isagoo Abuu Jahal\‫ أبو جهل‬magaciisu yahay Camr bin
Hishaam bin Al Mughiirah\‫عمرو بن هشام بن المغيرة‬, oo labada nin oo la dhalatayna way wada
islaameen oo kala ahaa Al Xaarithu bin Hishaam\‫ الحارث بن هشام‬iyo Salamah bin Hishaam ‫سلمة بن‬
‫هشام‬, waxayna islaameen sanadka Makkah\‫ مكة‬la furtay (sanadka sideedaad ee Hijrada:
xasanwali) (ista’thanuunii‫ ) إستأذنوني‬waxay idan iiga qaateen oo i waydiisteen. Riwaayad
kalena waxay warisay: “ista’thanuu\‫ ”إستأذنوا‬oo isla macnaha ah (fii an yunkixuu‫)في أن ينكحوا‬
oo ah inahy u guuriyaan (ibnatahum Caliyyaa bin Abii Dhaalibin‫ )إبنتهم علي بن أبي طالب‬oo
macneheedu yahay: “gabadhooda Caliyyu bin Abii Dhaalib‫” علي بن أبي طالب‬.
Al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu isaguna ku wariyay sanad ama silsilad saxiix ah oo uu wariyay Suwayd
bin Ghafalah\‫ سويد بن غفلة‬oo ka mid ah Al Mukhdarimiina\‫ المخضرمين‬oo ah kuwa islaamay intuu
Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aaalihi Wa Sallam noolaa aanse la kulmin Nabiga
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuuna yiri:
“Calii ayaa wuxuu gabdha Abuu Jahal\‫ أبو جهل‬ka doonay adeerkeed Al Xaarithu\‫الحارث‬,
markaasuu la tashaday Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markaasuu
wuxuu ku yiri:
"‫"أعن حسبها تسألوني؟‬
“acan xasabihaa tas’alunii?”
oo macnihiisu yahay:
“ma nasabkeeda ayaa iga wareysanaysaa iyo inay kuf kuu tahay weeye?”
Markaasuu wuxuu yiri:
"‫ ولكن اتأمرني؟‬،‫"ال‬
“laa, wa laakin ata’murunii?”
oo macneheedu yahay:
“maya, ee waxaan ku weydiinayaa inaad ii oggolaaneysid inaan guursado.”
Wuxuu yiri:
".‫"ال‬
“laa”
347
oo macnihiisu yahay:
“maya oo kuu oggolaan mayo.”Al Xadiitha.
".‫"فآل آذن لهم‬
falaa aathanu lahum‫فآل آذن لهم‬
oo macnihiisu yahay:
“u oggolaan mayo inay u guuriyaan”,
".‫"ثم ال آذن لهم‬
thumma laa aathanu lahum thumma laa aathanu lahum‫ ثم ال آذن لهم‬:
oo macnihiisu yahay:
“u oggolaan mayo, kaddibna u oggolaan mayo" oo saddex goor ayuu ku celceliyay.
Al Karmaanii\‫( الكرماني‬oo ah Judayc bin Calii Al Azdii Al Karmaanii Sheekha Khurasaan ‫جديع بن‬
‫ شيج خرسان‬،‫ علي األزدي الكرماني‬oo maanta iiraan ka tirsan, iyo faariskeedaba, kuna dhashay
magaalada Karmaan\‫ كرمان‬oo ayada loo nisbeeyey siduu Al Ziriklii\‫ الزركلي‬ugu wariyay
Mujalladka labaad bogga boqol iyo afar iyo toban: wuxuu dhintay oo la dilay sanadka Hijriga ah
ee boqol iyo sagaal iyo labaatan una dhiganta toddoba boqol toddoba iyo afartan miilaadiga:
xasanwali) wuxuu yiri:
“diidmada labaad oo ah “u oggolaan mayo” waxay xoojinaysaa midda hore waxaana ku sugan
ishaaro mudada diidmada inuu gabadhaas ku guursado sii adkeyneysa, sida isagoo doonaya inuu
maladaba meesha ka bixiyo mudaday diidmadaasi ku saabsan tahay oo ah muddo go’an, oo
markaasu yiri: “thumma laa aathanu‫ ” ثم ال آذن لهم‬ay: “wa law madat al muddatu al mafruudatu
taqdiiran laa aathanu bacdahaa, thumma kathaalika abadan ‫ ثم‬،‫ولو مضت المدة المعروفة تقديرا الأظن بعدها‬
‫ ”كذلك أبدا‬oo hadalkaas macnihiisu waxaa weeye:
“xattaa hadday dhammaato mudada diidmadaasu ku saabsan tahay oo la qadaro, markay
mudadaas dhammaatana u oggolaan mayo dabadeed, oo sidaasaanan ugu oggolaanayn ebedkiis.”
Waa intaas warka Al Karmaanii.
"‫"إال أن يحب‬
(illaa an yuxibba‫ إال أن يحب‬،)
oo macnihiisu yahay
"inuu jecel yahay mooyee", kanu lafthiga Muslim\‫مسلم‬,
lafdiga Al Bukhaariina\‫ البخاري‬waa sidatan:
348
”"‫إال أن يريد‬
“illaa an yuriida”
Oo macnihiisu yahay:
“Inuu doonayo mooyee”,
”‫“إبن أبي طالب أن يطلق إبنتي‬
(ibnu Abii Dhaalibi an yudhaliiqa ibnatii‫) إبن أبي طالب أن يطلق إبنتي‬
oo macneheedu yahay:
“inuu ibnu Abii Dhaalib ‫ إبن أبي طالب أن يطلق إبنتي‬jecel yahay mooyee oo uu isagu sidaas
doorto oo aan lagu khasbin inuu gabadhayda furo”
”‫ فإنما إبنتي بضعة مني‬،‫“وينكح إبنتهم‬
(wa yankixa ibnatahum, fa innamaa ibnatii bidcatun minnii ‫ فإنما إبنتي بضعة‬،‫وينكح إبنتهم‬
‫ )مني‬oo macnihiisu yahay:
“oo uu markaas gabadhooda guursado. Sababtuna waxay tahay inay gabadhaydu tahay cad ka
mid ah hilibkayga”, siduu u yiri Al Xaafithu\‫( الحافظ‬ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫إبن حجر العسقالني‬
xasanwali).
"‫“يريبني ما رابها” – "ما أرابها‬
(yuriibunii maa raabahaa‫) يريبني ما رابها‬
oo macnihiisu yahay:
“nuskhad kalena waxay warisay: “maa araabahaa\‫ ”ما أرابها‬labadoodubana waa saxiix waxaa
la yiraahdaa: “raabanii fulaanun wa raabanii itha ra’ayta minhu maa takrahuhu ‫رابني فالن ورابني إذا‬
"\‫( رأيت منه ما تكره‬oo ah waxaa la yiraahdaa hebel raabanii markuu kuu geysto oo aad ka aragtid
waxaad kahanaysid), oo ah: aniguna waan kahanayaa waxay ayadu kahanayso.
"‫"ويؤذيني ما آذاها‬
(wa yu’thiinii maa aathaahaa‫) ويؤذيني ما آذاها‬
oo macnihiisu yahay:
“waxaa anigana i dhibaya waxa ayada dhibada.”
349
Marka qofka gabadhiisa dhiba Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aaalihi Wa Sallam isaguu
dhibay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, taasoo ijmaac \‫ إجماع‬ka jiro inay
xaaraan tahay.
‫ ما يؤذيها إشارة إلى أن أذاه مسبب عن أذاها‬:‫ولم يقل‬
Wa lam yaqul: maa yu’thiihaa ishaaratun ilaa anna athaahu musabbabun can athaahaa:
oo macnihiisu yahay:
“ma uusan oran Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam “waxa ayada dhiba” taasoo
ishaareysa in isaga dhibtiisa ama dhibiddiisa ay sabab u tahay oo ay dhibka u keentay dhibidda
ayada la dhibay.”
"‫فالمعنى إذا آذاها أحد آذاني‬
Fa al macnaa ithaa aathaahaa axadun aathaanii”
oo macnihiisu yahay:
“haddii uu gabadhiisa axad dhibo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam axadkaas
aniguu i dhibay”.
‫وهذا تعليل لعدم إذنه يعني أن المانع لي من اإلذن أنه يؤذيها كما يؤذينني‬
Wa haathaa tacliilun li cadami ithnihi yacnii anna al maanica lii mina al ithnii annahu yu’thiihaa
kamaa yu’thiinanii”
oo macnihiisu yahay:
“Kaasuu waa tacliilka ama sababta uu u oggolaan waayay, yacnii “waxa ii diidaya inaan u
oggolaado waxaa weeyey inuu la guursigaasu ayada dhibayo siduu aniga ii dhibaya oo kale.”
Xadiithkana waxaa wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬kuna wariyay meelo kala
duwan ayagoo ah labada ugu sarreysa kutubbada saxiixa ah.
Wuxuuna u xusay Al Qasdhalaanii\‫( القسطالني‬wa saxxaxahu Al Tirmithii\‫ )وصححه الترمذي‬inuu
Al Tirmithii\‫ الترمذي‬saxiixnimada Xadiithkaan caddeeyey diidayana inuu yahay mawduuc\‫موضوع‬,
oo ah Xadiith been ah oo cid kale hindistay oo kutubbada la dhex geliyay.
Al Xaafith ibnu Xajar\‫الحافظ إبن حجر‬: wuxuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam Minbarka u fuulay inuu xukunkaas shaaciyo oo laga qaato
Al Xaafith\‫( الحافظ‬waana Axmad bin Calii bin Muxammad Al Kinaaniyyi Al Casqalaanii, Abuu
Al Fadl, Shihaabu Al Ddiini, ibnu Xajar ‫ شهاب‬،‫ أبو الفضل‬،‫الحافظ أحمد بن علي بن محمد الكناني العسقالني‬
‫ إبن حجر‬،‫ الدين‬oo ka mid imaamyada cilmiga iyo diinta, asalkiisuna uu yahay degmada
Casqalaan\‫ عسقالن‬oo ku taalla arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬, kuna dhashay kuna dhintay Al Qaahira
‫ القاهرة‬ee arliga Masar\‫مصر‬, una safray Yaman\‫يمن‬, Xijaaz\‫ حجاز‬iyo dalal kaleba si uu shuyuukhda
uga barto Xadiithka, oo uu cilmigaas caan ku noqday oo laga soo doonan jiray, kutubtiisana
intuu noolaaba ay faafeen oo boqorraduba hadiyo ahaan isku siin jireen. Masar‫ مصر‬ayuu qaalli u
noqday dhawr goor kaddibna uu iska cazilay. Wuxuu allifay kutubbo badan oo aad u qiimo
badan uuna ka mid yahay “Fatzu Al Baarii fii Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii ‫فتح الباري في شرح صحيح‬
‫”البخاري‬. Wuxuuna dhintay sanadka sideed boqol laba iyo konton Hijriga una dhiganta kun afar
boqol sagaal iyo afartan miilaadiga: xasanwali kana soo qaatay Al Aclaamu‫ األعالم‬uuna dhigay Al
Zirikli\‫ الزركلي‬mujalladka koowaad bogga boqol sideed iyo toddobaatan) wuxuu yiri:
350
‫ وغفل الشريف‬.‫ ويأخذوا به على سبيل الوجوب أو األولية‬،‫"إنما قام صلى هللا عليه وسلم خطيبا ليشيع الحكم الذي سيقره‬
‫ وجاء من‬،‫ وكان فيه إنحراف على علي‬،‫ ألنه في رواية المسور‬،‫ فزعم أن هذا الحديث موضوع‬،‫المرتضى عن هذه النكتة‬
".‫ إنتهى‬.‫ ورد كالمه باطباق أصحاب الصحيح على تخريجه‬،‫رواية إبن الزبير وهو أشد في ذلك‬
innamaa qaama Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam khadhiiban li yushiica al
xukma allathii sayuqarriruhu, wa ya’khuthuu bihi calaa sabiili al wujuubi aw al awwaliyati. Wa
ghafala Al Shariifu Al Murtadaa can haathi al nuktati, fa zacama anna haathaa Al Xadiithu
mawduucun, li annahu fii riwaayati Al Miswari, wa kaana fiihi inxiraafun calaa Caliyyi, wa jaa’a
min riwaayati ibna Al Zzubayri wa huwa ashaddu fii thaalika, wa radda kalaamahu bi idhbaaqi
asxaaba al ssaxiixi calaa takhriijihi. intahaa”
Hadalka ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬macnihiisu waxaa weeye:
“Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu u istaagay oo minbarka u
fuulay oo uu u khudbeeyey si uu u faafiyo oo dadka ugu sheego xukunka uu markaas ridi doono,
ayna xukunkaas u qaataan inuu waajib yahay ama uu mudnaanta koowaad leeyahay. Al Shariifu
Al Murtadaa\‫ الشريف المرتضا‬waxaa seegtay oo uusan garan tafsiirkaas qarsoon, markaasuu wuxuu
sheegay inuu Xadiithkaanu mawduuc yahay sababtuna tahay inuu wariyay Al Miswaru oo uu
janjeray xagga Calii (yacnii shiico ayuu ahaa weeye).”
Waa intaas warka Al Xaafithu‫الحافظ‬.
Shariifkaanna wuxuu ka mid yahay madaxda shiicada, hadalkaas uu yirina waxaa ku xambaaray
inuu yiri: “Calii\‫ علي‬kama suurtowdo inuu taas sameeyo” oo ah inuu damco inuu
Faadhimah\‫ فاطمة‬Calayhassalaamu la guursado.
Waa intaas tafsiirka Xadiithkaas. Kan soo socdana waa Xadiith kale.
Fatwada Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ الحافظ إبن حجر العسقالني‬ee Fatxu Al Baarii
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬wuxuu yiri:
“lama fogeysanayo in lagu tiriyo waxa Nabiga khaas u ah inaan gabdhihiisa lala guursan.
Kitaabka “fii sharxi Al Takhliisi\‫ ”في شرح التخليس‬wuxuu yiri:
".‫"أنه يحرم التزويج على بنات النبي صلى هللا عليه وسلم ويحتمل أن يكون ذلك خاصا بفاطمة رضي هللا هنها‬
“annahu yaxrumu al tazwiiju calaa banaati Al Nnabiyyi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wa
yaxtamilu an yakuuna thaalika khaassan bi Faadhimah radiya Allaahu canhaa.”
Warkaas mascnihiisu waxaa weeye:
“waxaa xaaraan ah in gabdhihiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam lala
guursado. Waxayna ixtimaali karta inay taasu Faadhimah\‫ فاطمة‬Allaha raalli ka noqdee khaas u
tahay, ayadoo ay gaartay dhibatada ah inay hooyadeed ka dhimatay ayada dabadeedna gabdhaha
la dhashay oo walaaleheed ah oo midba midda kale dabadeed ka dhinteen oo uusan markaas u
harin cid ka kaalmeysa amarka masayrka.” Intaasuu ku egyahay warka Fatxu Al Baarii\‫فتح الباري‬.
Sababta loo xaaraantimeeyey
Sharaxa Xadiithka oo wali noo socda wuxuu yiri:
“Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuu cilladeeyey oo sheegay sababta uu
dadka uga reebay in gabdhihiisa lala guursado oo wuxuu yiri inay taasu isaga dhib u geysanayso,
waxaana la isku waafaqsan yahay inay dhibiddiisu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam xaaraan tahay, oo sidaasuu dhibidda qof uu dhibkiisu isaga Sallaa Allaahu Calayhi Wa
351
Calaa Aalihi Wa Sallam dhibayo ay sidaas xaaraan ku tahay. Dhibidda Nabiguna Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam, ha yaraato ama ha badnaatee waa xaaraan, siduu Ilaahay Tacaalaa noo
sheegay Aayadda saddex iyo soddonaad ee Suuratu Al Axzaabi\‫سورة األحزاب‬:
ِ ِ َّ ِ ‫وما َكان لَ ُكم أَن تُؤُذوا رسو َل اللَّ ِه وََل أَن تَْن ِكحوا أ َْزواجه ِمن بعِد ِه أَب ادا إِ َّن َذلِ ُكم َك‬
)52( ‫يما‬
ْ َ
َ َْ ْ ُ َ َ
ُ
َ ْ
ُ َ ْ ْ ْ َ ََ
‫ان ع ْن َد الله َعظ ا‬
“Wa maa kaana lakum an t’uthuu Rasuula Allaahi wa laa an tankixuu azwaajahu min
bacdihi abadan inna thaalikum kaana cinda Allaahi cathiiman(53)”.
Sababtuna waxay tahay: “inay taasu isaga dhibayso, isaga in la dhibana Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waa xaaraan sida la isku waafaqsan yahay. Midkaanna waxaa ku
sugan inay xaaraan tahay in la dhibo qofkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam dhibsanayo dhibkiisa.Sababtuna waxay tahay inay dhibidda Nabigu Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xaaraan tahay sida la isku waafaq san yahay in yar iyo in
badanba, oo Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
ِ ِ َّ ِ ‫وما َكان لَ ُكم أَن تُؤُذوا رسو َل اللَّ ِه وََل أَن تَْن ِكحوا أ َْزواجه ِمن بعِد ِه أَب ادا إِ َّن َذلِ ُكم َك‬
)52( ‫يما‬
ْ َ
َ َْ ْ ُ َ َ
ُ
َ ْ
ُ َ ْ ْ ْ َ ََ
‫ان ع ْن َد الله َعظ ا‬
“Wa maa kaana lakum an t’uthuu Rasuula Allaahi wa laa an tankixuu azwaajahu min
bacdihi abadan inna thaalikum kaana cinda Allaahi cathiiman” waana qayb ka mid ah
Aayadda saddex iyo konton ee Suuratu Al Axzaabi\‫ األحزاب‬oo macneheedu yahay:
“idiinma bannaana oo xalaal idiinma aha inaad Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam u geysataan wax dhib ah oo dhiba noocu doono ha ahaadee, mid yar iyo
mid weynba, sidoo kalena idiinma bannaana oo xalaal idiinma aha inaad isaga dabadiis Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam haweenkiisa guursatan ayadoo ay falidda kuwaasu
Ilaahay agtiisa dambi wayn ka yihiin.”
Nabiguu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhibay qofka Faadhimah
\‫ فاطمة‬dhiba
Sharixii oo socda wuxuu yiri:
‫ فكل من وقع في حق فاطمة شيئا تأذت به فهو يؤذي النبي صلى‬،‫وقد جزم عليه الصالة والسالم بأنه يؤذيه ما آذا فاطمة‬
".‫هللا عليه وسلم بشهادة الخبر الضحيح‬
(Wa qad jazama Calayhi Al Ssalaatu Wa Al Ssalaamu bi annahu yu’thiihi maa aathaa
Faadhimah, fa kullu man waqaca minhu fii xaqqi Faadhimah shay’an ta’ath-that bihi fa huwa
yu’thii Al Nanibiyya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam bi shahaadati al khabari al ssaxiixi)
oo macnihiisu yahay:
“Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu si caddaan ah oo kama
dambays ah u sheegay inay isaga dhibayaan waxa Faadhimah dhiba. Sidaas daraadeed qof kasta
oo xaqqeeda ka gaabiya oo wax ka dhima oo meel uga dhaca way ku dhibtooneysaa taasoo
Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhibaysa siday uga markhaati
kaceen Axaadiitha saxiixa oo la soo xusay.
352
Ibnu Xajar\‫إبن حجر‬: Dhibidda gabdhaha Asharaafta waxay dhibaysaa Nabi Muxammad
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam adduunkana ciqaab degdeg ayaa ku
dhacda aakhirana ciqaab ka adag
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬wuxuu intaas ku daray oo yiri:
،‫ ولهذا عرف باألسقراء معاجلة من تعطا ذلك بالعقوبة في الدنيا‬،‫"وال شيء أعظم من إدخال األذى عليها من قبل ولدها‬
".‫ولعذاب اآلخرة أشد‬
“wa laa shay’a acthamu min idkhaali al athaa calayhaa min qibali walidihaa, wa li haathaa curifa
bi al istqraa’i mucaajalata man tacaadhaa thaalika bi al cuquubati fii al dunyaa, wa la cathaabu al
aakhirati ashaddu.” Intahaa.
Warkaas Al Xaafith ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬macnihiisu waxaa weeye:
“ma jiro dhib ka wayn oo Faadhimah\‫ فاطمة‬loo geysan karo oo ka wayn dhib looga geystay
xagga caruurteeda. Taas daraadeed ayaa la ogaaday markay ragi qirteen in ciqaabta adduunkaan
loogu soo dedejiyay rag dhibkaas u geystay, cathaabta aakhirana way ka wayntahay oo ka adag
tahay.” Waa intaas warka Fatxu Al Baarii\‫فتح الباري‬.
Fatwada Shariifka Al Samhuudii\‫السمهودي‬
Al Shariifu Al Samhuudii\‫( الشريف السمهودي‬waana Calii bin Cabdu Allaahi bin Axmad Al
Xasanii al shaaficii Nuuru Al Ddiini Abuu Al Xasan, mu’arrikhu Al Madiinah Al Munawwarah
wa muftiihaa ‫ مؤرخ المدينة المنورة‬،‫علي بن عبد هللا بن أحمد الحسني الشافعي نور الدين أبو الحسن‬
\‫ومفتها‬, waana asharaaf isagoo ku abtirsada Al Xasan bin Faadhimah\‫ الحسن بن فاطمة‬Sallaa
Allaahu Calayhim Wa Sallam, wuxuu ku dhashay Samhuud \‫ سمهود‬oo ah magaalo ku taalla
koofurta Masar\‫مصر‬, wuxuuna ku koray Al Qaahira\‫ القاهرة‬kaddibna wuxuu degay oo ku dhintay
Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬sagaal boqol kow iyo toban Hijriga una dhiganta kun
shan boqol iyo lix miilaadiga, kutubbadiisana waxaa ka mid ah oo aan anigu haystaa Wafaa’u Al
Wafaa’i bi akhbaari daari Al Musdhafaa\‫ وفاء الوفاء باخبار دار المصطفى‬oo laba mujallad oo waawayn
ah afar juzna ka kooban oo lagu daabacay Al Riyaad dalka sucuudiga, waana kitaab aad u qiimo
badan oo aniguba aad uga faaiidaystay. Xasanwali: warkiisana waxaan kasoo qaatay Al Ziriklii
‫ الزركلي‬mujalladka afaraad bogga saddex boqol iyo toddoba, kitaabkuna waa “Al Iclaamu\‫األعالم‬
qaamuusu taraajim”) wuxuu yiri:
‫ ومن ثم لما رأت أم الفضل في منامها‬،‫ فيكونون بواسطتها بضعة منه‬،‫ومعلوم أن أوالد فاطمة بضعة منها‬
‫ فيوضع في‬،‫أن بضعة منه وضعت في حجرها أوله صلى هللا عليه وعلى آله وسلم بان فاطمة تلد غالما‬
‫ وإن تعددت‬،‫ فكل من يشاهد اآلن من ذريتها بضعة من تلك البضعة‬،‫ فوعض فيه‬،‫حجرها فولدت الحسن‬
".‫ وتجنب بغضهم على حال كانوا‬،‫ ومن تأمل ذلك انبعث من قبله دواعي اإلجالل لهم‬،‫الوسائط‬
“wa macluumun anna awlaada Faadhimah bidcatun minhaa, fa yakuunuuna bi waasidhatihaa
bidcatan minhu, wa min thamma lammaa ra’at Ummu Al Fadli fii manaamihaa anna bidcatan
minhu wudicat fii xijrihaa awwalahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam bi anna
Faadhimah talidu ghulaaman, fa yuudacu fii xijrihaa fa waladat Al Xasana, fa wudica fiihi, fa
kullu man yushaahidu al aana min thurriyatihaa bidcatun min tilka al bidcati, wa in tacaddadat al
wasaa’idhu, wa man ta’ammala thaalika inbacatha min qibalihi dawaaciya al ijlaali lahum, wa
tajannaba baghdahum calaa ayyi xaalin kaanuu.” Intahaa.
Hadalka Shariifka macnihiisu waxaa weeye:
353
“waxaa la ogsoon yahay inay caruurta Faadhimah cad ayada hilibkeeda ka mid ah yihiin, oo
sidaasay ayadoo ayada loo marayo ay caruurteedo ku yihiin cad ka mid ah hilibkiisa Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Waaba ayaday Ummu Al Fadli\‫ أم الضل‬haweenta
Al Cabbaasu\‫ العباس‬Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam adeerkiis ahna
hooyada dhashay Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫ عبد هللا بن العباس‬Allaha dhammaantood raalli ka
noqdee habeen ku riyootay ayadoo hurudda inuu cad ka mid ah hilibkiisa Sallaa Allaahu Calayhi
a Calaa Aalihi Wa Sallam kusoo dhacay dhabteeda, markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu u fasiray inay Faadhimah \‫ فاطمة‬wiil dhali doonto oo
markaas wiilkaas dhabteeda la saari doono. Markaasay waxay dhashay Al Xasanu\‫ الحسن‬oo
markaas dhabteeda la saaray. Marka inta jirta oo loo jeedo hadda oo ubadkeeda ka mid ah waa
cad ka mid ah cadkaas inta (caruur) oo u dhexeysayba ha bataane.
Qofka taas dhaaga oo garta waxaa isaga qalbigiisa kasoo askumaya wax ugu yeera oo ku
xambaara wayneyntooda iyo inuu ka fogaado nacaybkooda (ama isagu uu naco ama ay ayaguba
nacaan. xasanwali) xaal kastoo ay ayagu (Asharaaftu) ku sugan yihiin.” Waa intaas warka
shariifka Al Samhuudii\‫السمهودي‬.
Cabdu Al Rizaaq\‫ عبد الرزاق‬wuxuu kitaabkiisa “Al Jaamicu\‫ ”الجامع‬ku yiri:
“Abii Jacfar\‫ أبي جعفر‬wuxuu yiri:
“Abuu Bakr\‫ ابوبكر‬ayaa wuxuu Calii\‫ علي‬siiyay gabar (addoon ah), markaasaa waxaa
Faadhimah\‫ فاطمة‬usoo gashay Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬oo ay ka aragtay waxay kahato. Markaasay
waxay tiri:
“maxaa kugu dhacay?”
Markaasayan u sheegin sababtay la calool xuntay. Markaasay Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay tiri:
“wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan aabahaa wax iga qarin jirin.”
Markaasay Faadhimah‫ فاطمة‬waxay tiri:
“waa gabar Abuu Al Xasan\‫( أبوالحسن‬Calii\‫ )علي‬la siiyay.”
Markaasay Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬soo baxday oo intay timid albaabka guriga uu Calii‫ علي‬ku
jiray ayay codkeeda ugu dheer kula qaylisay oo tiri:
“miyaan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Ahly
Baytkiisa\‫ أهل بيته‬loo dhowreyn?”
Markaasuu Calii‫ علي‬yiri:
“waana maxay?”
Markaasay waxay tiri:
“waa gabar adiga laguu soo dhiibay.”
Markaasuu Calii‫ علي‬wuxuu yiri:
“gabadha Faadhimah‫ فاطمة‬ayaa iska leh (oo aan siiyay weeye).”
Xadiithkaan waxaan kasoo qaadannay kitaabka uu dhigay Abuu Turaab Al Thaahirii ‫أبوتراب‬
\‫ الظاهري‬laguna daabacay Daaru Al Qiblah\‫ دار القبلة‬ee Jiddah\‫جدة‬, arliga sucuudiga bisha
Ramadan 27 1404 Hijrada/1984. Kitaabku wuxuu ka kooban yahay qabyta hore oo ah kitaab uu
ibnu Taymiyah\‫ إبن تيمية‬dhigay oo la yiraahdo ”Fadlu Ahli Al Bayti wa Xuquuqihim ‫فضل أهل البيت‬
354
\‫ ”وحقوقهم‬bogga boqol lixdan iyo kow. Qaybaha dambena wuxuu kasoo qaatay kutubbo kale, sida
Imaam Axmad\‫اإلمام أحمد‬, Abuu Daauud\‫أبوداود‬, iyo kuwo kale oo fara badan.
Axmad\‫األمام أحمد‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu bogga boqol lix iyo labaatan ku wariyay inuu Axmad\‫ أحمد‬yiri:
”ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
”Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"سألت ربي تعالى أن ال أزوج إال من أهل الجنة وال أتزوج إال من أهل الجنة‬
”sa’altu Rabbii Tacaalaa an laa uzawwija illaa min ahli al jannati wa laa atazawwaja illaa
min ahli al jannati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”waxaan Rabbigay Tacaalaa‫ ربي تعالى‬ka baryay inuusan gabdhahayga guursan axad aan ehelu
janna ahayn, wiilashayduna ayan ka guursan axad aan ehelu janno ahayn.”
Ibnu Al Najjaar\‫إبن النجار‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu bogga boqol sideed iyo labaatan ibnu Al Najjaar \‫ إبن النجار‬uga
wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
‫“سألت ربي أن ال أتزوج إلى أحد من أمتي وال يتزوج إلي أحد من أمتي إال كان معي في الجنة فأعطاني‬
".‫ذالك‬
”innii sa’altu Rabbii an laa atazawwaja ilaa axadin min ummatii wa laa yatazawwaju
ilayya axadun min ummatii illaa kaana maciya fii al jannati fa acdhaanii thaalika.”
Xaddithka macnihiisu waxaa weeye:
”ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬wuxuu yiri:
”Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
”waxaan Rabbigay‫ ربي‬waydiistay inaanan axad ka guursan oo ummaddayda ka mid ah, oo
macneheedu yahay ayan wiilashaydu (ashraafta) ka guursan axad ummaddayda ka mid ah,
uusanna axad ummaddayda ka mid ah uusan gabdhahayga guursan (ashraafta) ee waa illaa inuu
ahaado midka meesheyda jannada ila jooga. Markaasuu taas i siiyay.”
Abuu Al Khayr Al Xaakimii\‫أبو الخير الحاكمي‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu bogga boqol sideet iyo labaatan Abuu Al Khayr Al Xaakimii Al
Qazwiinii\‫ أبو الخير الحاكمي القزويني‬uga wariyay inuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬yiri (inuu Rasuulka
Ilaahay Sallaa llaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri):
".‫"سألت ربي ألصهاري الجنة فأعطانيها البتة‬
355
”sa’altu Rabbii li as-haarii al jannata fa acdhaaniihaa al battata.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”waxaan Ilaahay ka baryay inuu xididkay jannada geliyo wuuna is siiyay si kama dambays ah.”
Ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬
Abuu Turaab\‫ أبو اراب‬wuxuu bogga laba boqol sideed iyo toban ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬uga
wariyay inuu ibnu Abii Awfaa\‫ إبن أبي أوفى‬yiri:
”Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"من تزوجت إليه أو تزوج إلي حرمه هللا علي النار‬
”man tazawwajtu ilayhi aw tazawwaja ilayya xarramahu Allaahu calaa al nnaari.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”ciddaan ka guursado ama aniga iga guursata Ilaahay korkooda wuu ka xaaraantimeeyey naarta.”
Anas bin Maalik‫أنس بن مالك‬
Abuu Turaab\‫ أبو اراب‬wuxuu bogga boqol sideed iyo soddon ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬
wariyay inuu Anas bin Maalik‫ أنس بن مالك‬yiri:
uga
”axadkiinna yuusan fadhiga uga kicin oo u sare istaagin cid aan Al Xa\san‫ الحسن‬iyo Al Xusayn
‫ الحسين‬ahayn.”
Cabdu Allaahi bin Axmad\‫ عبد هللا بن أحمد‬Nithaamu Al Mulki\‫نظام الملك‬, ibnu Al Nnajjaar ‫إبن‬
‫ النجار‬iyo kuwo kale
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu Cabdu Allaahi bin Axmad\‫ عبد هللا بن أحمد‬, Nithaamu Al Mulki ‫نظام‬
\‫الملك‬,, ibnu Al Nnajjaar‫ إبن النجار‬iyo Saciid ibnu Mansuur\‫ سعيد إبن منصور‬ka wariyay inuu Calii
\‫ علي‬yiri inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam qabtay gacanta Xasan
\‫ الحسن‬iyo Xusayn\‫ الحسين‬kaddibna uu yiri:
".‫"من أحبني وأحب هذين وأبوهما وأمهما كان معي في درجتي يوم القيامة‬
”man axabbanii wa axabba haathayni wa abuuhumaa wa ummahumaa kaana macii fii
darajatii yawma al qiyaamati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”qofka aniga i jeclaada, labadaanna jeclaada iyo aabohood iyo hooyadood aniguu jannada igula
jiraa darajadeyda maalinta qiyaame.”
Ibnu Marduwayh\‫إبن مردويه‬
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu wariyay inuu ibnu Marduwayh\‫ إبن مردويه‬Calii\‫ علي‬ka wariyay inuu
Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
356
‫ قالوا من يسكن معك فيها؟ قال "علي‬."‫ فإذا سألتم هللا فسلوا لي الوسيلة‬،‫في الجنة درجة تدعى الوسيلة‬
".‫وفاطمة و الحسن و الحسين‬
”fii al jannati darajatun tudcaa Al Wasiilata, fa ithaa sa’altumu Allaaha fa saluu lii Al
Wasiilata.” Qaaluu: ”man yaskunu macaka fiihaa?” Qaala: ”Caliyyun wa Faadhimatu wa
Al Xasanu wa Al Xusaynu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”jannada waxaa ku taalla darajo la yiraahdo Al Wasiilatu‫الوسيلة‬, marka markaad Ilaahay baridaan
aniga ii barya inuu i siiyo Al Wasiilata‫الوسيلة‬.” Waxay yiraahdeen: ”Rasuulka Ilaahayow, yaa
kula deggan dhexdeeda?” Wuxuu yiri: ”Calii\‫ علي‬iyo Faadhimah\‫ فاطمة‬iyo Al Xasanu\‫الحسن‬
iyo Al Xusaynu\‫الحسين‬.”
Durratu bintu Abii Lahb\‫درة بنت أبي لهب‬
Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Cammaar\‫ عمار‬iyo Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬ka wariyay inay
yiraahdeen:
“waxaa Al Madiinah\‫ المدينة‬timid ayadoo muhaajirad ah Durratu bintu Abii Lahb ‫درة بنت أبي‬
\‫ لهب‬waxayna ku degatay daarta Raafic bin Al Mucallaa\‫رافع بن المعال‬.
Markaasay haween u dhashay Banii Zurayq\‫ بني زريق‬u yimaadeen oo la fariisteen ayna
yiraahdeen:
“waxaad tahay gabadha Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬oo uu Ilaahay kasoo dejiyay
".‫"تبت يدا أبي لهب‬
“Tabbat yadaa Abii Lahabin”
Ahna Aayadda koowaad ee Suuratu Al Masad oo macneheedu yahay:
“Waa khasaareen oo hoogeen laba gacnood ee Abii Lahab – waana isagoo idil.”
marka hijradaadu maxay ku taraysaa!”
Markaasay Durrah\‫ درة‬waxay u timid Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam ayna boyday una sheegtay waxay haweenku ku yiraahdeen.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gabadha aamusiyay oo dejiyay
kuna yiri:
".‫"إجلسي‬
“ijlisii” oo ah “fariiso”.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dadka salaadda duhur tujiyay
kaddibna uu minbarka ku fariistay cabbaar kaddibna uu yiri:
357
‫ ما لي آوذي في أهلي؟ ووهللا إن شفاعتي تنال قرابتي حتى إن صدآء وحكم وحاء وسلوه ال‬،‫يا أيها الناس‬
‫تنالها يوم القيامة‬
“Yaa ayuhaa al nnaasu! Maa lii uuthaya fii ahlii? Wa wa Allaahi inna shafaacatii tanaalu
qaraabatii xattaa in sadaa’a wa xakama wa xaa’a wa salhaba la tanaaluhaa yawma al
qiyaamati.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadow! Maxaa ehelkeyga la iigu dhibayaa? Oo wa Allaahi shafaacadeydu way gaareysaa oo ay
heleyaan qaraabadaydu xattaa hadduu dambi miririyay (sadaa’a\‫ صداء‬oo saad lagu dhigay ibnu
Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Al Nihaayah\‫ النهاية‬ku yiri, iyo Al Rraazii\‫ الرازي‬Mukhtaaru Al Ssixaaxi
\‫ مختار الصحاح‬iyo ibnu Manthuur\‫ إبن منظور‬Lisaanu Al Carabi\‫ لسان العرب‬ku wada yiraahdeen: waa
mirirka oo qalbiga qofku dambi daboolo sida ay birta iyo muraayaddaba uu mirirku u daboolo oo
kale) , Xaa‫ حاء‬iyo Xakam‫ حكم‬wuxuu ibnu Al Thiir\‫ إبن األثير‬ku fasiray oo yiri: “waa laba qabiil
oo qalbi adkaa oo degganaa Ramli Yabriina\‫ رمل يبرين‬gadaasheeda،” Wuxuuna wariyay Xadiith
kale oo oranaya:
".‫"شفاعتي ألهل الكبائر من أمتي حتى حكم وحاء‬
“Shafaacatii li ahli al kabaa’iri min ummatii xattaa Xakam wa Xaa’”
oo macnihiisu yahay:
“shafeecadeyda waxaa iska leh oo helaya kuwa dambiyada waawayn gala oo kabaa’irta ah oo
ummaddayda ka mid ah xattaa Xakam\‫ حكم‬iyo Xaa’u\‫;(”حاء‬
wa salwaha\‫وسلوها‬: hadduu warmoog yahay oo halmaansan yahay oo cayaar ku dhex jiro (oo
sulwaan\‫ سلوا‬waa qof wax halmaansan oo warmoogga ah, nolol raaxa ahna isaga nool siday ibnu
Al Athiir\‫ إبن األثير‬iyo Al Bacalbakii\‫ البعلبكي‬kan dhigay qaamuuska Al Mawrid\‫)المورد‬.
“Allaahumma Ilayka laa ilaa al nnaari”‫اللهم إليك ال إلى النار وأهل بيتي‬
Ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬wuxuu Ummu Salamah\‫ أم سلمة‬ka wariyay inay tiri: “Rasuulka
Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo gurigeenna jooga ayay
khaadimaddu\‫ خادمة‬timid, waana haweeney guriga ka adeegta, oo ay tiri:
“Calii\‫ علي‬iyo Faadhimah\‫ فاطمة‬ayaa albaabka jooga”,
markaasuu wuxuu yiri:
".‫" تنحي لي عن أهل بتي‬
“tanaxxii lii can Ahla Baytii”
oo macnihiisu yahay:
“iiga wareeg Ahly Baytkayga\‫أهل بيتي‬.”
Markaasaan inta ka leexday aan guriga dhexdiisa dhinac kale u durkay. Markaasaa waxaa soo
galay Calii\‫ علي‬iyo Faadhimah\‫ فاطمة‬iyo Xasan\‫ الحسن‬iyo Xusayn\‫الحسين‬. Markaasuu Sallaa
358
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam labada wiil dhabtiisa fariisiyay, uuna mid ka mid
ah labadiisa gacnood Calii ku qabtay oo uu laabtiisa kusoo dhejiyay, uuna gacantiisa kale
Faadhimah\‫ فاطمة‬ku qabtay oo uu ayadana laabtiisa kusoo dhejiyay uuna dhunkaday uuna
dhammaantood ku daboolay khamiis madow oo uu lahaa, kaddibna uu yiri:
".‫"اللهم إليك ال إلى النار وأهل بيتي‬
“Allaahumma Ilayka laa ilaa al nnaari anaa wa Ahla Baytii!”
oo macnihiisu yahay:
“Ilaahayow Adigaan kuu imaanaynna ee naarta maya aniga iyo Ahlu Baytkayga ‫أهل بيتي‬.”
Markaasaan u dhawaaqay oo aan iri: “anigana Rasuulka Ilaahayow?” Wuxuu yiri:
".‫"وأنت‬
“wa anti” oo macnihiisu yahay:
“iyo adigaba (waxaad ka mid tahay Ahlu Baytkayga).”
Waxaa wariyay ibnu Abii Shaybah‫إبن أبي شيبة‬.
Ibnu Abii Shaybah waa Cabdu Allaahi bin Muxammad\‫ عبد هللا بن محمد‬،‫إبن أبي شيبة‬, waxayna isku
fac ahaayeen oo ay isku mar noolaayeen Axmad bin Xanbal\‫أحمد بن حنبل‬, Isxaaq bin Raahawayh
‫إسحاق بن راهويه‬, Calii bin Al Madiinii\‫ علي المديني‬iyo Yaxyaa bin Maciin\‫ يحيى بن معين‬oo kan uu
dhowr sano ka wayn yahay.
Waxaa Axaadiithta ka wariyay Al Imaam Al Bukhaarii\‫األمام البخاري‬, Imaam Muslim\‫اإلمام مسلم‬,
Abuu Daauud\‫أبو داود‬, ibnu Maajah\‫إبن ماجة‬, Al Nasaa’ii\‫ النسائي‬wuxuu ka wariyay asxaabtiisa,
Axmad bin Xanbal\‫أحمد بن حنبل‬, Abuu Zurcah\‫أبو زرعة‬, Abuu Yaclaa Al Muusilii\‫أبو يعلى الموصلي‬
iyo in badan oo kale.
Aabihiis waa qaalliga Abii Shaybah Ibraahiim bin Cuthmaan bin Khuwaastaa ‫القاضي أبي شيبة‬
‫إبراهيم بن عثمان بن خواصة‬. Walaalihiis waa al xaafith Cuthmaan bin Abii Shaybah ‫الحافظ عثمان بن أبي‬
‫شيبة‬, iyo Al Qaasim bin Abii Shaybah al daciif\‫القاسم بن أبي شيبة الضعيف‬, wiilkiisuna waa al
xaafithu Ibraahiim bin Abii Bakr\‫;الحافظ إبراهيم بن أبي بكر‬
al xaafithu Abuu Jacfar Muxammad bin Cuthmaan\‫ الحافظ أبو جعفر محمد بن عثمان‬walaalkiis ayaa
dhalay.
Sidaasay ku yihiin guri wada culummo ah oo cilmi deggan yahay. Waxaana ugu wayn Abuu
Bakr\‫ أبو بكر‬oo ugu cilmi badan.
Ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬waa al caalimu\‫العالم‬, sayyidu al xuffaathi\‫سيد الحفاظ‬, dhigayna
kutubbo waawayn ayna ka mid yihiin “Al Musnad\‫ ”المسند‬iyo “Al Musnaf\‫ ”المصنف‬iyo “Al
Tafsiir\‫ ”التفسير‬Abuu Bakr Al Cabsii mawlaahum Al Kuufii\‫( أبو بكر العبسي موالهم الكوفي‬Ciraaq).
Wuxuu dhintay sanadka laba boqol shan iyo soddon Hijriga.” Waa intaas warkiisu.
Warkaan ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬waxaan kasoo qaatay “Siyaru Aclaamu Al Nubalaa’i ‫سير‬
‫ ”أعالم النبالء‬ee Al Thahabii\‫ الذهبي‬juzka sagaalaad bogga saddex boqol afar iyo sagaashan, siirada
tirsigeedu yahay 1841.
Xadiithkaan waxaan kasoo qaadannay kitaabka uu dhigay Abuu Turaab Al Thaahirii ‫أبو تراب‬
\‫ الظاهري‬laguna daabacay Daaru Al Qiblah ee Jiddah, arliga sucuudiga bisha Ramadan 27 1404
359
Hijrada/1984. Kitaabku wuxuu ka kooban yahay qabyta hore oo ah kitaab uu ibnu Taymiyah
dhigay oo la yiraahdo ”Fadlu Ahli Al Bayti wa Xuquuqihim|‫”فضل أهل البيت وحقوقهم‬. Qaybaha
dambena wuxuu kasoo qaatay kutubbo kale, sida Imaam Axmad\‫أحمد‬, Abuu Daauud\‫أبو داود‬, iyo
kuwo kale oo fara badan. (www.Waqfeya.com)
Abuu Al Qaasim bin Bushraan\‫أبو القاسم بن بشران‬
Wuxuu kaloo Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬kitaabkiisa ku wriyay inuu Cimraan ibnu Xusayn ‫عمران بن‬
‫ حسين‬uu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫ فأعطانيها‬،‫"سألت ربي تعالى أن ال يدخل أحدا من أهل بتي النار‬
”sa’altu Rabbii Tacaalaa an laa yudkhila axadan min Ahla Baytii al nnaara, fa
acdhaaniihaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”waxaan Rabbigay Tacaalaa‫ ربي تعالى‬waydiistay inuusan axad Ahlu Baytkeyga ‫ أهل بيتي‬ka mid
ah uusan naarta gelin, wuuna i siiyay.”
Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Abuu Turaab\‫ أبو تراب‬wuxuu ka wariyay Al Daylamiyyu \‫ الديلمي‬inuu Calii bin Abii Dhaalib ‫علي‬
‫ بن أبي طالب‬wa ka riyay inuu yiri:
”Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"أول من يرد علي الحوض أهل بيتي ومن أحبني من أمتي‬
”awwala man yaridu calayya Al Xawda Ahlu Baytii wa man axabbnii min ummatii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
”cidda ugu horreysa oo Xawdka\‫ الحوض‬iigu imaaneysa oo soo waraabeysa waa Ahly Baytkeyga
iyo inta ummaddeyda ka mid ah oo aniga i jecel.”
Cabdu Allaahi ibnu Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عبد هللا بن عمر بن الخطاب‬Allaha labadoodaba
raalli ka noqdee
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Al Mucjimu Al Kabiir\‫ المجمع الكبير‬12/321 (#13550) ku wariyay, Al
Bayhaqii\‫ البيهقي‬uuna wariyay Majmacu Al Zawaa’idi wa Manbacu Al Fawaa’idi ‫مجمع الزوائد ومنبع‬
‫( الفوائد‬1/380), Al Khadhiibu Al Baghdaadii\‫ الخطيب البغدادي‬ku wariyay kitaabka Al Muwaddix
‫( ”الموضح‬2/48), Al Daylamii kitaabka ”Al Firdaws (1/23)(#29), ibnu Cadiyy kitaabka ”Al
Kaamil” (2/790), ay dhammaantoodna ka wariyeen ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬inuu yiri:
”Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"أول من أشفع له من أمتي أهل بيتي‬
”awwalu man ashfacu lahu min ummatii Ahlu Baytii.”
360
Xadiithka macnihiisu waxaa weey:
”cidda ugu horreysa ee ummaddeyda ka mid ah oo aan u shafeeco qaadayo waa Ahlu
Baytkayga‫أهل بيتي‬.”
Xadiithka waan kasoo qaadannay kitaabka ”Ixyaa’u Al Mayti bi Fadaa’ili Ahli Al Bayti ‫إحياء الميت‬
‫ ”بفضائل أهل البيت‬uuna dhigay Al Imaamu Al Ssayuudhii\‫األمام السيوطي‬.
Waxaa kitaabka hordhiciisa dhigay xaqiijiyayna Al Sayyid Cabbaas bin Axmad Saqar Al
Xusaynii\‫( السيد عباس بن أحمد صقر الحسيني‬waa Shariif ka mid ah dhashay Al Shahiidu Al
Xusaynu bin Faadhimah\‫ الشهيد الحسين بن فاطمة‬gabadha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam), waxaana lagu daabacay sanadka 1420 Hijriga Daaru Al
Madiinah Al Munawwarah Lilnashri wa Al Tawziici. (www.Waqfeya.com).
Qof muslin ah uma bannaana inay ashraafta wax ka sheegaan
Uma bannaana qof muslin ah inuu ceeb iyo eed u jeediyo unna shaarafta wax u dhimo kuwo uu
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬uga markhaati kacay inuu daahiriyay, rijsigana ka qaaday, uuna ku
ceebeeyo ama ku eedeeyo camal ay qateen ama waxay sheegeen, ayadoo uu u hormaray
cinaayada iyo daryeelidda Ilaahay oo ayaga u gaarka ah:
ِ
ِ َّ ْ َ‫َذلِ َك ف‬
)51( ‫ض ِل اْل َع ِظ ِيم‬
ْ َ‫اء َواللَّهُ ُذو اْلف‬
ُ ‫ض ُل الله ُي ْؤتِيه َم ْن َي َش‬
Waana Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xadiidi\‫ سورة الحديد‬oo macneheedu yahay:
“Taasu waa deeqda Ilaahay wuxuuna deeqdiisa siiyaa cidduu doono Ilaahay wuxuu leeyahay
deeqo waawayn(21).” Waa intaas warkiisu.
Waxaan Ilaahay ka baryay
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu bogga kow iyo konton ku wariyay:
“Al Faqiih Muxibbu Al Ddiini Axmad bin Cabdu Allaahi Al Dhabarii ‫الفقيه محب الدين أحمد بن عبد هللا‬
‫ الطبري‬wuxuu kitaabkiisa “Thakhaa’iru Al Cuqbaa fii Manaaqibi Thawii Al Qurbaa ‫ذخائر العقبى في‬
‫ ”مناقب ذمي القربى‬ku wariyay Xadiithka Cimraan bin Xusayn\‫ عمرا بن حسين‬oo wariyay inuu
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Alihi Wa Sallam yiri:
".‫"سألت ربي أن ال يدخل النار أحدا من أهل بيتي فأعطانا ذلك‬
“Sa’altu Rabbii an laa yudkhila al nnaara axadan min Ahla Baytii fa acdhaanaa thaalika.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“waxaan ka baryay Rabbigay\‫ ربي‬inuusan axad ka mid ah Ahlu Baytkayga‫ أهل بيتي‬naarta gelin
taasna wuu na siiyay.” Waa intaas warkiisu.
361
Qaybta Lixaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Karaamaynta Ilaahay Tacaalaa Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu bogga sagaal iyo konton ku yiri:
“Al Xaakim\‫ الحاكم‬wuxuu Xadiithka Cabdu Al Rrizaaq\‫ عبد الرزاق‬uu Sufyaan Al Thawrii ‫سفيان‬
‫ الثوري‬uu Camr bin Murrah‫ عمرو بن مرة‬uu ka wariyay Saciid bin Jubayr\‫ سعيد بن جبير‬inuu Cabdu
Allaahi ibnu Cabbaas‫ عبد هللا إبن عباس‬labadoodaba Ilaahay raalli ha ka noqdee hadalka Ilaahay ee
ah:
َِّ
ِِ
َّ
ٍ ‫يم‬
)32( ‫اه ْم ِم ْن َع َملِ ِه ْم ِم ْن َش ْي ٍء‬
ُ ‫ان أَْل َح ْق َنا بِ ِه ْم ُذِّريَّتَهُ ْم َو َما أَلَتَْن‬
َ ‫َوالذ‬
َ ‫َمُنوا َوات َب َعتْهُ ْم ُذِّريَّتُهُ ْم بإ‬
َ ‫ين آ‬
Waana Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Dh-dhuur\‫ سورة الطور‬oo macneheedu yahay:
“kuwaa xaqqa rumeeyey oo mu’miniinta ah oo ay caruurtooduna iimaanka ku raaceen, oo kuwa
waawayn ay laftooda u rumeeyeen kuwa yaryarna iimaanka aabayaalkood ay la wadaagaan: oo
cunugga yar xukunkiisa islaamku waxaa weeye inuu raacsan yahay labada dhashay midkood,
kuwaas waxaan ka daba geynnay aabayaalkood darajada ay jannada uga jiraan, in kastoo uu
ubadku uusan shaqaysan camal darajaadaas geeya. Waxaana aabayaalkood darajadooda loogu
geynayaa karaamayn aabayaalka lagu karaameynayo iyo inay ishoodu ku qabawsato oo ay ku
farxaan. Ayagana waxba laga naaqusin mayo”
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
“Ilaahay caruurta ninka mu’minka ah iyo haweentiisa kor ayuu u qaadaa oo uu ku geeyaa
darajada aabihiis in kastoo uusan camalkoodu darajadaas gaarin” markaasuu wuxuu akhriyay:
ِ
ِ
ٍ ‫ون َعلَْي ِهم ِم ْن ُك ِّل َب‬
ِ ‫صلَ َح ِم ْن آ ََبائِ ِهم وأ َْزو‬
)32( ‫اب‬
َ ُ‫ات َع ْد ٍن َي ْد ُخل‬
ُ ‫َجَّن‬
َ ُ‫اج ِه ْم َوُذِّريَّات ِه ْم َواْل َم ًَلئ َكةُ َي ْد ُخل‬
َ ‫ونهَا َو َم ْن‬
ْ
َ َ ْ
Waana Aaydda saddex iyo labaatanaad ee Suuratu Al Rracdi\‫ سورة الرعد‬oo macneheedu yahay:
“waxayna gelayaan jannooyin lagu waaro ayaga iyo inta suuban oo aabayaalkood ka mid ah iyo
haweenkooda iyo ubadkooda. Malaa’igtuna waxay uga soo gelayaan albaab walba(23).”
Marka hadduu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ninka mu’minka ah ku karaameeyey iimaankiisa oo uu
markaas ubadkiisa darajadiisa jannada ugu geeyey ayagoo aan taas xaq u lahayn oo ay
darajadiisa la joogaan jannada dhexdeeda, Al Musdhafaa\‫ المصطفى‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa Rabbigiis Tacaalaa\‫ ربه تعالى‬agtiisa uga karaamo badan inuu liido
ubadkiisa oo uu naarta geliyo aakhiro isagoo Cazza wa Jalla\‫ عزوجل‬yiri:
362
ِ ‫َخ َزْيتَه وما لِلظَّالِ ِم‬
َّ ‫َرب ََّنا إَِّن َك َم ْن تُ ْد ِخ ِل‬
)213( ‫ص ٍار‬
َ
َ ‫ين م ْن أ َْن‬
َ َ ُ ْ ‫الن َار فَقَ ْد أ‬
Waana Aayadda boqol laba iyo sagaashan ee Suuratu Aali Cimraana\‫ سورة آل عمران‬oo
macneheedu yahay:
“Rabbigeenow qofkaad gelisid naarta waad dullaysay, daallimiintana uma sugnaan cid u
gargaarta(192).”
Bal kaamilnimada sharaftiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo sarraynta
qadarkiisa iyo waynaanta makaankiisa uu Ilaahay Cazza wa Jalla‫ عزوجل‬agtiisa ku leeyahay
waxaa ka imaanaya inuu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬ishiisa qaboojiyo
oo ka farxiyo uuna cafiyo gafafkay caruurtiisu galaan, macaasidoodana uu iska dhaafo,
dambiyadoodana uu dhaafo, jannadana uu geliyo ayagoo aan jahannama lagu cathaabin:
َِّ
ِِ
َّ
ٍ ‫يم‬
)32( ‫اه ْم ِم ْن َع َملِ ِه ْم ِم ْن َش ْي ٍء‬
ُ ‫ان أَْل َح ْق َنا بِ ِه ْم ُذِّريَّتَهُ ْم َو َما أَلَتَْن‬
َ ‫َوالذ‬
َ ‫َمُنوا َوات َب َعتْهُ ْم ُذِّريَّتُهُ ْم بإ‬
َ ‫ين آ‬
Ilaahay Tacaala wuxuu kaloo yiri
ِ ِ
ِ
ِ
ِ ‫َما اْل ِج َدار فَ َك‬
)85( ‫صالِ احا‬
َّ ‫َوأ‬
ُ ‫ان أَُب‬
َ ‫ان تَ ْحتَهُ َك ْنٌز لَهُ َما َو َك‬
َ ‫يم ْي ِن في اْل َمد َينة َو َك‬
َ
َ ‫وه َما‬
ُ
َ ‫ان ل ُغ ًَل َم ْي ِن َيت‬
Waana Aayadda laba iyo sideetanaad ee Suuratu Al Kahfi\‫ سورة الكهف‬oo macneheedu yahay:
“darbigase waxaa lahaa laba wiil oo agoommo ah oo magaalada deggan, hoostiisana waxaa ku
jiray kanzi ay leeyihiin, labadooda dhashayna waxay ahaayeen kuwo suuban(82).”
Al Baghawii wuxuu yiri magacdooduna waxay ahaayeen Asrim\‫ أصرم‬iyo Suraym\‫صريم‬.
Abuu Al Dardaa’\‫ أبو الدرداء‬wuxuu wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam yiri:
".‫"كان ذهبا وفضة‬
“kaana thahaban wa fiddatan” oo ah “wuxuu ahaa dahab iyo qalin.”
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu yiri: “Sufyaan\‫ سفيان‬wuxuu Miscar\‫ مسعر‬ka wariyay inuu Cabdu Al
Malik\‫ عبد الملك‬ka wariyay kanoo Maysarah\‫ ميسرة‬ka wariyay inuu Saciid bin Jubayr\‫سعيد بن جبير‬
yiri:
“kanzigaas waxaa loogu ilaalinayay suubanaanta aabohood. Wuxuuna ahaa aabohooda
toddobaad.”
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu yiri:
“hadday sax tahay inuu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬uu laba wiil ku
ilaaliyay suubanaanta aabohood, markaas Ilaahay waa Midka caruurta iyo ubadka ku ilaaliya u
daryeelidda kuwooda hormaray oo aabayaalkood ah inta u dhexeysaa haba badato oo quruun ha
ahaatee.”
363
Qoolleyda Xaramka
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu yiri:
“waxaa taasoo kale la mid axaadiithta kusoo aroortay qoolleyda Xaramka oo kasoo askumay
laba qoolley oo buulkooda ka sameystay afka hoogguu ku dhuuntay Nabigu Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.”
Godka afkiisa ayayna ukunteeda dhigtay, markaasay gaaladii raadkiisa Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku taagnayd waxay yiraahdeen markay godka afkiisa yimaadeen:
“hadduu godkaan geli lahaa ukuntuu ku joogsan lahaa oo jebin lahaa.”
Waxayna ahaayeen qoolley duureed oo ma ahayn kuwa rabbaysan oo magaalada dega.
Waana Ghaaru Thawr\‫ غار ثور‬markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
hijrada ku jiray.
Al Muxibbu Al Dhabarii\‫المحب الطبري‬
Al Muxibbu Al Dhabarii (waana Abuu Jacfar Axmad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad, Abuu
Al Cabbasna waa la yiri, kuna caan baxay Al Muxibbu Al Diini Al Dhabarii ‫ أبو جعفر‬،‫المحب الطبري‬
‫ أبو العباس‬،‫أحمد بن عبد هللا بن محمد‬, Sheekha Mashaayikhda Fiqiga iyo Xadiithka, ahaana Sheekha
Makkah Al Mukarramah oo ah Imaamka leh kutubbada ay ka mid yihiin kitaabka wayn ee la
yiraahdo Al Riyaadu Al Nadrati fii Manaaqibi Al Cashrati\‫الرياض النضرة في مناقب العشرة‬, oo
Tobanka Jannada loogu bishaareeyey Axaadiithta kusoo aroortay ka warramaya, iyo Al Samdhu
Al Thamiinu fii Manaaqibi Ummuhaati Al Mu'miniina\‫ "السمط الثمين في مناقب أمهات المؤمنين‬oo ku
saabsan hooyooyinka Mu'miniinta, haweenka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Wuxuu ku dhashay Makkah, ayaduuna ku dhinta, wuxuuna noolaa inta u dhexeysey
lix boqol iyo shan iyo toban iyo lix boqol iyo afar iyo sagaashan Hijriga) wuxuu kasoo wariyay
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬kitaabkiisa Sharxu Al Mawaahibu\‫ شرح المواهب‬inuu kasoo guuriyay Al
Ssayuudhii\‫ السيوطي‬kaddib markuu xusay tixaha gabayaday Aaminah\‫ آمنة‬tirisay (oo hoos ku
xusan):
“Hadalkaan ay ku hadashay wuxuu si sariix ah u caddaynayaa inay Muwaaxxidad Ilaahay
keligiis caabudda ahayd, ayadoo xustay diinta Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu iyo Bicthada
\‫ البعثة‬wiilkeeda Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam diinta islaamka lala soo diri
doono oo xagga Ilaahay laga soo diri doono iyo ka reebidda caabudidda asnaamta iyo intay
waliga ka dhigatayba. Hadaba tawxiidku ma wax aan intaas ahayn baa? Oo tawxiidku waa
ictiraafka la aqoonsado Ilaahay iyo Ilaahnimadiisa, iyo inuusan shariik lahayn, iyo in laga
fogaado caabudidda asnaamta iyo waxa la midka ah. Hadalkaas ayaan kaafi u ah oo ku filan ka
bariinnimada gaalnimada, iyo sugnaanshaha sifada tawxiidka zamanka jaahiliyada ee Bicthada
ka horreeyey. Waana tuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"لم أزل أنقل من أصالب الطاهرين إال أرحام الطاهرات‬
“lam azil unqalu min aslaabi al dh-dhaahiriina ilaa arxaami al dh-dhaahiraati” oo
macnihiisu yahay:
“waxaa la isaga kay gudbinayay dhabarrada ragga daahiriinta ah iyo ilmo galeenka haweenka
daahiraatka ah.”
364
Waxaana Xadiithkaan ku sugan daliil daahirnimada aabayaalkiis iyo hooyooyinkiis ay gaalnimo
daahir ka yihiin.” Waa intaas warkiisu.
Gabayga Aaminah oo uu xusayna kor ayaan kusoo macnaynay (Gabaygay Aaminah\‫ آمنة‬ugu
ducaysay wiilkeeda Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markay dhimanaysay)
afka soomaaliga. Naskiisiina waa kanaa:
‫ يابن الذي من حومة الحمام‬/‫بارك فيك هللا من غالم‬.1
‫ فودي غدات الضرب باألسهام‬/‫نجا بعون الملك العالم‬2.
‫ إن صح ما أبصرت في المنام‬/‫بمأة من إبل سوام‬3.
‫تبعث في الحل وفي الحرام‬/ ‫فأنت مبعوث إلى األنام‬4.
‫دين أبيك إبراهيم‬/ ‫تبعث في التحقيق و األسالم‬5.
‫أن ال توليها مع األقوام‬/ ‫فاهلل أنهاك عن األصنام‬6.
1. Baaraka fiika Allaahu min ghulaamin
Yaa ibna allathii min xawmati al ximaami
2. Najaa bi cawni Al Maliki Al Callaami
Fuudiya ghadaata al darbi bi al sihaami
3. Bi mi'atin min ibilin sawaamin
In saxxa maa absartu fii al manaami
4. Fa anta mabcuuthun ilaa al anaami
Tubcathu fii al Xilli wa fii al Xaraami
5. Tubcathu fii al taxqiiqi wa al Islaami
Diina abiika al barri Ibraahama
6. Fa Allaahu anhaaka cani al asnaami
An laa tuwaaliihaa maca al aqwaami
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu kitaabkiisa “Al Mawlidu\‫ ”المولد‬iyo sharaxiisa “Al Hamziyah\‫”الهمزية‬
ku yiri oo Xadiiyhka dib usoo nooleynta labadiisa waalid Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam ka yiri:
“Xadiithkaanu ma aha daciif, waxaana saxiix ka dhigay in mid ka badan oo xufaadda ka mid ah
kuwaasoo aan dan ka gelin una jeesan warka kuwa duray.” Waana intaas warkiisu.
Shariif Axmad bin Daxlaan\‫شريف أحمد بن دحالن‬
Dr. Muxammad Cabdu Al Ghaffaar Khan\‫محمد عبد الغفار خان‬.‫ د‬oo sharxay kitaabka Al Muxibbu Al
Dhabarii wuxuu bogga shanaad ku yiri:
“Kitaabka Siirada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee Axmad Zayn
Daxlaan‫ أحمد بن دحالن‬1/173 wuxuu yiri:
“Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu kitaabkiisa Dalaa’ilu Al Nubuwwah\‫ دالئل النبوة‬ka wariyay
Asmaa’u bintu Ruhm\‫ أسماء بنت رهم‬inay hooyadeed tiri:
“waxaan goob joog ahaa markay Aaminah\‫ آمنة‬hooyada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam hayay cudurkay u dhimatay, ayadoo uu Muxammad Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam kuray markaas joog leh yahay shan jirna yahay uuna
madaxeeda fadhiyo, markaasay wajigiisa dhugatay kaddibna ay tiri:
365
‫بارك فيك هللا من غالم\يا ابن الذي من حومة الحمام‬
‫فأنت مبعوث إلى األنام\تبعث في الحل وفي الحرام‬
‫تبعث في التحقيق واإلسالم\دين أبيك البر إبراهيم‬
1. Baaraka fiika Allaahu min ghulaamin
Yaa ibna allathii min xawmati al ximaami
2. Fa anta mabcuuthun ilaa al anaami
Tubcathu fii al Xilli wa fii al Xaraami
3. Tubcathu fii al taxqiiqi wa al Islaami
Diina abiika al barri Ibraahiima
Axmad bin Daxlaan\‫ أحمد دحالن‬waa: Al Shariif Axmad Zayn bin Axmad Daxlaan Al
Qurashiyyi Al Haashimii Al Xasanii Imaamu Al Xaramayni Al Shaaficii, faqiih ‫الشريف أحمد زين‬
\‫بن أحمد دحالن القرشي الهاشمي الحسني إمام الحرمين الشافعي الفقيه المؤرخ‬, taariikh yaqaan kana
qayb qaatay culuumta kala duwan ee diinta, muftiga Al Shaaficiyah ee Makkah Al Mukarramah
\‫مكة المكرمة‬. Wikipedia waxay intaas ku dartay: faqiih iyo sheekha culummada Al Xijaaz\‫ الحجاز‬ee
zamankiisa oo ahaa dhammaadka khilaafada Cuthmaaniyiinta. Waxaa lagu yaqiinnay duriddiisa
xoogga badan iyo diidmadiisa wahaabiyada wuxuuna u liicay xagga suufinnimada. Wuxuu ku
dhashay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬sanadka 1231H/1816M ayaduuna ku koray oo wax
ku bartay wuxuuna ku dhintay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬1304H/1886M.
Reerkiisa Daxlaan\‫ دحالن‬waxaa Makkah\‫ مكة‬looga yaqaannaa guri cilmi iyo diin iyo aqoon
waxaana lagu yaqaanna akhlaaqdooda sarreysa, siday dadka ugu jajaban yihiin iyo naxariistooda,
jihaad iyo kifaax iyo cahdi fulin, iyo cafin markay dadka la dhaqmayaan. Kutubbo aad u fara
badan ayuu dhigay, ayna Siirada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka
mid tahay.
Ummu Ayman\‫ أم إيمن‬waxay ka tirsan tahay Ahlu Al Bayti\‫أهل البيت‬
Dr. Muxammad Cabdu Al Ghaffaar Khan‫محمد عبد الغفار خان‬.‫ د‬oo sharxay kitaabka Al Muxibbu Al
Dhabarii wuxuu bogga afar iyo tobnaad iyo laba boqol afar iyo toban ku yiri:
“ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu wariyay in markuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam Ummu Ayman\‫ أم أيمن بركة‬barakah dhugto uu oran jiray:
".‫"أم أيمن أمي بعد أمي‬
“Ummu Ayman ummii bacda ummii”
oo macnihiisu yahay:
“Ummu Ayman waa hooyaday hooyaday dabadeed (oo ayadaa soo korisay)”,
iyo:
".‫"هذه بقية أهل بيتي‬
“haathihi baqiyyatu Ahla Baytii” oo macnihiisu yahay:
“middaan ayaa ka hartay Ahlu Baytkayga.”
366
Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ugu yeeri jiraay:
".‫"با أماه‬
“Yaa ummaah”
oo ah:
“hooyadeeyey.”
Taas macneheedu waxaa weeye inay aabihiis iyo hooyadiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam oo dhintay ay ayaguna Ahly Baytkiisa \‫ أهل بيته‬yihiin iyo inta kaloo dhimatay
oo reer Banuu Haashim\‫ بنوهاشم‬ahba ayaguna Ahlu Baytka\‫ أهل البيت‬ka mid yihiin. Wa Allaahu
Aclamu\‫وهللا أعلم‬.
Daahirnimada aabayaalkiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Wuxuu kaloo yiri:
“kitaabka Al Ssiirah Al Nabawiyah wa Al Aathaaru Al Muxamadiyyah \‫السيرة النبوية واآلثار المحمدية‬
uuna allifay Axmad Daxlaan\‫ أحمد دحالن‬wuxuu wariyay inuu Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬Allaha
raalli ka noqdee yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
‫"ما و لدني بغي قط منذ خرجت من صلب آدم ولم تزل تتنازعني األمم كابرا عن كابر حتى خرجت من أفضل‬
".‫حيين من العرب هاشم وزهرة‬
“maa waladanii baghiyyun qadh-dh munthu kharajtu min sulbi Aadama wa lam tazil
tatanaazacanii al umamu kaabiran can kaabirin xattaa kharajtu min afdali xayayni mina
al carabi Haashim wa Zuhra.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“aabayaalkay iyo hooyooyinkay kuma jiro qof dhillaystay oo aan ku abtirsado oo i dhalay laga
bilaabo goortaan kasoo baxay dhabarka Aadan\‫آدم‬, tan iyo markaasna ummadaha ayaa i kala
jiidanayay oo ummad walba doonaysa inaan ayada ka mid noqdo ilaa aan ka dhasho labada
qabiil oo carabta ugu sarreysa oo kala ah Haashim\‫ هاشم‬iyo Zuhra\‫( زهرة‬Banii Zuhra\‫بني زهرة‬
waa ka mid ah qabiilka soomaliyeed oo Shaanshi la yiraahdo Xamarna dega uuna Shiikh Suufi
Allaha u naxariistee ka mid yahay: xasanwali).”
Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬, kaddib markuu xusay Xadiithka dib usoo nooleynta iyo aaminidda
Aaminah\‫ آمنة‬wuxuu yiri:
‫"وقد جعل هؤالء األئمة هذا الحديث ناسخا لألحاديث الواردة بما يخالفه ونصوا على أنه متأخر عنها فال تعارض بينه‬
".‫وبينها‬
“wa qad jacal haa’ulaa’i al a’immatu haathaa Al Xadiitha naasikhan lil Axaadiithi al waaridati
bimaa yukhaalifuhu wa nassuu calaa annahu muta’akh-khirun canhaa fa laa tacaaruda baynahu
wa baynahaa.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
367
“culummadaasu waxay Xadiithkaan ka yeeleen mid nasakhay oo buriyay axaadiith-ta ay kusoo
aroortay waxa midkaan khilaafsan, isagoo uu Xadiithkaanu ka dambeeyay. Sidaasayan u jirin is
khilaafid Xadiithkaan iyo kuwaas kale.”
Ibnu Xajarna\‫ إبن حجر‬wuxuu kitaabkiisa Al Mawlidu\‫ المولد‬iyo markuu sharxay Hamziyada\‫الهمزية‬
ku yiri:
“Xadiithkaanu (dib usoo nooleynta Aaminah\‫ آمنة‬iyo Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬: xasanwali) daciif
ma aha, waxaana saxiix ka dhigay in mid ka badan oo xufaadda ka mid ah oo aan duriddiisa
dheg u dhigin.” Waa intaas warkiisu.
‫أيقنت أن أبا النبي وأمه\أحياهما الرب الكريم الباري‬
‫حتى له شهد الصدق رسالة\سلم فتلك كرامة المختار‬
.‫هذا الحديث ومن يقول بضعفه\فهو الضعيف عن الحقيقة عار‬
Taas ayaa u sabab ah inay qaarkood yiraahdeen:
1. Ayqantu anna abaa Al Nabiyyi wa ummuhu
Axyaahumaa Al Rabbu Al Kariimu Al Baarii
2. Xattaa lahu shahida al sidqa risaalata
Salima fa tilka karaamatu Al Mukhtaari
3. Haathaa Al Xadiithu wa man yaquulu bi dacfihi
Fa huwa al daciifu can al xaqiiqati caaru.
Saddex tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. Waxaan yaqiinsaday in aabaha Nabiga iyo hooyadiis
Uu soo nooleeyey Rabbiga Kariimka ah Abuuraha ah
2. Ayna uga marag kaceen xaqnimada risaalada
Wayna badbaadeen taasoo ah karaamayn Al Mukhtaaru
3. Xadiithku waa kaas kan daciifnimo ku sheegana
Isagaa daciif ah runtana ka qaawan.
Waa intaas warkiisu.
Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu mujalladka koowaad bogga saddex booqol sideed iyo afartan ku yiri:
“Wuu suubiyay al xaafith Shamsu Al Ddiini Muxammad bin Naasiru Al Ddiini Abii Bakr bin
Cabdu Allaahi bin Muxammad Al Dimashqii ‫شمس الدين محمد بن ناصر الدين إبي بكر بن عبد هللا بن محمد‬
‫الدمشقي‬, oo dhashay sanadka toddoba boqol toddoba iyo toddobaatan, kutubbo wanaagsanna
dhigay, arliga Dimashaqna\‫ دمشق‬Xadiith yaqaankooda noqday, dhintayna bisha Rabiicu Al
Aakhar ee sanadka sideed boqol laba iyo afartan Hijriga, markuu yiri:
‫حبا هللا النبي مزيد فضل\على فضل وكان به رؤوفا‬
‫فأحيا أمه وكذا أباه\إليمان به فضال لطيفا‬
‫فسلم فالقديم بذا قدير\وإن كان الحديث به ضعيفا‬
Xabaa Allaahu Al Nabiyya maziida fadlin\ugn fadlin wa kaana bihi ra’uufaa.
‫‪368‬‬
‫‪Fa axyaa ummahu wa kathaa abaahu/li iimaani bihi fadlan ladhiifan.‬‬
‫‪Fa sallama fa Al Qadiimu bi thaa Qadiirun/wa in kaana Al Xadiithu bihi daciifan.‬‬
‫‪Tixaha macnohoodu waxaa weeye:‬‬
‫‪Ilaahay wuxuu Nabigiisa u hibeeyey deeq dheeri ah/oo deeqihii hore zaa’id ku ah oo waa Midka‬‬
‫‪u naxariista.‬‬
‫‪OO wuxuu soo nooleeyey hooyadiis, aabihiisna sidoo kale\markaasay rumeeyeen, taasoo deeq‬‬
‫‪naxariis leh ah.‬‬
‫‪Wuuna salaamay oo Ilaaha Qadiimka ah taas wuu karaa\in kastoo uu Xadiithka wariyay tag‬‬
‫‪daran yahay.‬‬
‫‪ wuxuu kaloo boggasaddex boqol konton ku yiri:‬الزرقاني\‪Al Zarqaanii‬‬
‫‪“Si ballaaran ayay culummadu uga hadleen oo ku dheeraadeen inay caddeeyaan daliillada sugaya‬‬
‫‪ – ay mu’miniin ahaayeen,‬آمنة\‪ iyo Aaminah‬عبد هللا\‪inay labadooduba – waana Cabdu Allaahi‬‬
‫‪ wuxuu geliyay‬السيوطي\‪Ilaahayna waa ka abaal marinayaa qasdigooda qurxoon. Al Ssayuudhii‬‬
‫‪dadaal iyo xoog badan arrinkaas, wuxuuna ka allifay lix kitaab oo waawayn, wuxuuna‬‬
‫‪ ku yiri:‬مسالك الحنفاء\‪kitaabkiisa Masaaliku Al Xunafaa’i‬‬
‫‪“waxaa la i waydiistay inaan arrinkaan tixo ka tiriyo, aanna ku gunaanadayo kitaabkaan aan‬‬
‫‪allifay, markaasaan waxaan iri:‬‬
‫أنجى به الثقلين مما يجحف‬
‫‪ .1‬إن الذي بعث النبي محمدا‬
‫أبداه أهل العلم فيما صنفوا‬
‫‪ .2‬وألمه وأبيه حكم شائع‬
‫لم يأته خبر الدعاة المسعف‬
‫‪ .3‬فجماعة أجروها مجري الذي‬
‫أن ال عذاب عليه حكم مؤلف‬
‫‪ .4‬والحكم فيمن لم تجئه دعوة‬
‫واألشعرية ما بهم متوقف‬
‫‪ .5‬فبذالك قال الشافعية كلهم‬
‫وبنجو ذا في الذكرى آي تعرف‬
‫‪ .6‬وبسورة اإلسراء فيه حجة‬
‫معنى أرق من النسيم وألطف‬
‫‪ .7‬ولبعض أهل الفقه في تعليله‬
‫منحى به للسامعين تشنف‬
‫‪ .8‬ونحا اإلمام الفخر رازي الورى‬
‫يظهر عناد منهم وتخلف‬
‫‪ .9‬اذ هم على الفطر الذي ولدوا ولم‬
‫كل من التوحيد إذ يتحنف‬
‫‪ .11‬قال األولى ولدوا النبي المصطفى‬
‫فيهم أخو شرك وال يستنكف‬
‫‪ .11‬من آدم ألبيه عبد هللا ما‬
‫نجس وكلهم بطهر يوصف‬
‫‪ .12‬فالمشركون كما بسورة توبة‬
‫في الساجدين فكلهم متحنف‬
‫‪ .13‬وبسورة الشعراء فيه تقلبا‬
‫أسراره هبطت عليه الذرف‬
‫‪ .14‬هذا كالم الشيخ فخر الدين في‬
‫وحباه جنات النعيم تزخرف‬
‫‪ .15‬فجزاه رب العرش خير جزائه‬
‫ية فرقة دين الهدى وتحنفوا‬
‫‪ .16‬فلقد تدين في زمان الجاهل‪-‬‬
‫ذا الصديق ما شرك عليه يعكف‬
‫‪ .17‬زيد بن عمروا وابن نوفل هك‪-‬‬
‫لألشعري وما سواه مزيف‬
‫‪ .18‬قد فسر السبكي بذاك مقالة‬
‫‪ .19‬إذ لم تزل عين الرضا منه على الص‪-‬يق وهو بطول عمر أحنف‬
‫في الجاهلية للضاللة يعرف‬
‫‪ .21‬عادت عليه صحبة الهادي فما‬
‫ورأت من اآليات ما ال يوصف‬
‫‪ .21‬فألمه وأبوه أحرى سيما‬
‫أبويه حتى أمنوا ال تخرفوا‬
‫‪ .22‬وجماعة ذهبوا إلى إحيائه‬
‫في ذلك لكن الحديث مضعف‬
‫‪ .23‬وروى ابن شاهين حديثا مسندا‬
‫لكفى فكيف بها إذا تتالف‬
‫‪ .24‬هذي مسالك لو تفرد بعضها‬
‫أدبا ولكن أين من هو منصف‬
‫‪ .25‬وبحسب من ال يرتضيها صمته‬
‫ما جدد الدين الحنيف محنف‬
‫‪ .26‬صلى اإلله على النبي محمد‬
369
‫أوفى رضاه يدوم ال يتوقف‬
‫ وعلى صحابته الكرام وآله‬.27
Aabahay mee? Hooyaday meeday?
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu yiri:
“Shurayk\‫ شريك‬wuxuu ka wariyay Saalim\‫ سالم‬oo ka wariyay Saciid bin Jubayr\‫ سعيد بن جبير‬oo
yiri:
“markuu ninku jannada galo wuxuu leeyahay: “meeyey aabahay? Meeday hooyaday? Meeye
caruurtaydii? Meeday haweentaydii?”
Markaasaa waxaa lagu leeyahay:
“camalkaagoo kale lama ayan imaan!”
Markaasuu wuxuu leeyahay:
“waxaan camalkayga u qabanayay aniga naftayda iyo ayagaba.”
Markaasaa ayagii waxaa lagu leeyahay:
“jannada gala.”
Markaasuu wuxuu akhriyay:
ِ
ِ
ٍ ‫ون َعلَْي ِهم ِم ْن ُك ِّل َب‬
ِ ‫صلَ َح ِم ْن آ ََبائِ ِهم وأ َْزو‬
)52( ‫اب‬
َ ُ‫ات َع ْد ٍن َي ْد ُخل‬
ُ ‫َجَّن‬
َ ُ‫اج ِه ْم َوُذِّريَّات ِه ْم َواْل َم ًَلئ َكةُ َي ْد ُخل‬
َ ‫ونهَا َو َم ْن‬
ْ
َ َ ْ
Waana Aayadda saddex iyo labaatanaad ee Suuratu Al Rracdi\‫ سورة الرعد‬oo macneheedu yahay:
“Jannooyin dhexdooda lagu nagaado ayay gelayaan ayaga iyo inta ka suubanaatay oo ka mid ah
aabayaalkood iyo dumarkooda iyo ubadkooda, ayadoo ay malaa’igtuna uga soo geleyso albaab
walba(23)”
Ashraafta\‫األشراف‬
Al Maqriizii\‫( المقريزي‬isaga laftiisuna waa shariif Xusayni\‫ حسيني‬ah) wuxuu bogga afar iyo
afartan ku yiri:
“Sidaasay ashraaftu, caruurta Faadhimah\‫ فاطمة‬kulligood (iyo kuwa kale oo Ahlu Baytka ka mid
ah sida Salmaan Al Faarisii\‫() سلمان الفارسي‬dhigaha kitaabkaanna Xasanwali wuxuu ku daray
Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫ أبو بكر الصديق‬ayadoo uu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam yiri inuu Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬Ahlu Baytka\‫ أهل البيت‬ka mid yahay.
Asxaabta Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ugu khayr badan Abuu
Bakr Al Siddiiqu\‫أبو بكر الصديق‬, kanoo sidaas ku ah kan uunka ugu khayr badan Anbiyada iyo
Rususha Ilaahay Tacaalaa kaddib iyo qoyska Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam dabadiis. Waxaa Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬ammaan iyo faan ugu filan, isaga iyo
ubadkiisaba, inuu Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬yiri:
"Waxaa ii warramay Yaxyaa bin Miskiin\‫ يحيى بن مسكين‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin
Xasan\‫ عبد هللا بن حسن‬oo ka wariyay aabihiis (oo ah Calii bin Abii Dhaalib\‫ )علي بن أبي طالب‬oo
yiri: "RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"إنما أبوبكر منا أهل البيت‬
370
"Inamaa Abuu Bakr minnaa Ahla Al Bayti",
oo macneheedu yahay:
"Abuu Bakar‫ أبوبكر‬, waxaa sugan inuu annaga naga mid yahay oo uu Ahlu Al Bayti‫ أهل البيت‬ka
mid yahay."
Sidaasuu wuxuu ka mid ahaa qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waana Xadiithkiisa kun iyo labo boqol iyo shan iyo toddobaatan. Al Zzubayru ibnu Al
Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, wuxuu ka mid ah dhasha Al Zubayru ibnu Al Cawwaami\‫الزبير بن العوام‬,
Xawaariga iyo ina eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: xasanwali) ilaa
yawmu qiyaamaha ay xukunka Aayaddaan soo hoos gelayaan in dambiyadooda la wada dhaafay
lana daahiriyay, ahna wuxuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ayaga khaas iyo gooni ahaan u siiyay,
uuna u dar yeelayo sharafta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam daraadeed iyo daryeelid uu Ilaahay Subxaanahu\‫ َّللا سبحانه وتعالى‬isaga ku dar yeelayo.”
Waa intaas warkiisu.
Cabdu Allaahi bin Xasan\‫ عبد هللا بن حسن‬iyo Cumar bin Cabdu Al Caziiz\‫عمر بن عبد العزيز‬
Al Maqriizii\‫ المقريزي‬wuxuu boogga laba iyuo konton ku yiri:
“Abuu Al Farax Al Asbahaanii\‫ أبو الفرح األسبهاني‬wuxuu xagga dariiqa Cubaydu Allaahi bin
Cumar Al Qawaariiri\‫ عبيد هللا بن عمر القوارير‬ka wariyay oo yiri: waxaa noo warramay Yaxyaa bin
Saciid bin Abaan Al Qurashiyyi\‫ يحيى بن سعيد بن إبان القرشي‬oo yiri:
“Cabdu Allaahi bin Xasan\‫( عبد هللا بن حسن‬1/136) wuxuu usoo galay Cumar bin Cabdu Al
Caziiz\‫عمر بن عبد العزيز‬, wuxuuna ahaa wiil da’ yar oo buuran. Markaasuu (Amiiru Al Mu’miniina
Cumar\‫ )أمير المؤمنين عمر‬majliskiisa (fadhigiisa) joojiyay oo uu wiilka usoo jeestay muraadkuu
lahaana uu u oofiyay oo u fuliyay. Markaas kaddib ayuu laablaabka caloosha wiilka mid ka mid
ah qabtay oo uu maroojiyay ilaa uu ka xanuujiyo wuxuuna ku yiri:
“maroojintaan ku xusuuso inaad maalinta qiyaame ii shafeeco qaadidi.”
Markuu wiilku baxay ayay madaxduu majliska ka xiray eedeeyeen waxayna ku yiraahdeen:
“maxaad sidaas ugu sameysay wiil da’ yar?”
Wuxuu yiri:
“midka lagu kalsoon yahay ayaa wuxuu ii wariyay, waabana sida anigoo afka Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka maqlaya markuu yiri:
".‫“إنما فاطمة بضعة مني يسرني ما يسرها‬
“innamaa Faadhimah badcatun minnii yasurrunii maa yusirruhaa”.(Axmad 4/323)
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Faadumo\‫ فاطمة‬waa cad aniga iga mid ah, waxaana i farax gelinaya waxa ayada farax geliya.”
Waxaanna ogahay in hadday Faadumo\‫ فاطمة‬noolaan lahayd ay ku farxi lahayd waxaan
wiilkeeda u sameeyey.”
Waxay yiraahdeen:
371
“hadaba muxuu yahay macnaha aad caloosha uga maroojisay, aadna ugu tiri waxaad ku titi?”
Wuxuu yiri:
“ma jiro axad ka mid ah Banuu Haashim\‫ بنو هاشم‬ee waa illaa midka leh shafeeco. Marka
waxaan rajeeyey inaan anigu ka mid noqdo kuwuu midkaanu u shafeeco qaadayo.” Waa intaas
warkiisu.
Al Xasanu iyo Al Xusaynu\‫الحسن والحسين‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu bogga laba boqol sideed iyo lixdan ee mujalladka toddobaad ku yiri:
“waxaa isaga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gooni loo siiyay waxaa ka mid
ah in caruurta ay dhaleen gabdhihiisu sharci ahaan ay isaga ku nasab sheegtaan oo ay nasabkiisa
ka mid yihiin, isagaana qabiilkooda iyo casabadooda ah, siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam Xadiith ugu yiri:
".‫ فإني أنا أبوهم وعصبتهم‬،‫"وكل ولد آدم فإن عصبتهم ألبيهم ما خال ولدا فاطمة‬
“wa kullu waladi Aadama fa inna casabatuhum li abiihim maa khalaa waladaa
Faadhimah, fa innii anaa abuuhum wa casabatahum.”
Xadiithka oo uu Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬ka wariyay Cumar\‫ عمر‬rag lagu kalsoon yahayna ay
wariyeen macnihiisu waxaa weeyey:
“cunug kasta oo caruurta Aadan\‫ آدم‬ka mid ah waxaa u casaba iyo qabiil ah aabayaa,lka dhalay
intaan ka ahayn caruurta Faadhimah\‫فاطمة‬, oo ayagaas anigaa aha aabohood iyo
casabadoodaba.”
Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhji Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"لكل بني آدم عصبة إال إبني فاطمة أنا وليهما وعصبتهما‬
“li kulli banii Aadama casabatun illaa ibnay Faadhimah anaa waliyyuhumaa wa
casabatuhumaa”.
Xadiithka oo uu Al Xaakim\‫ الحاكم‬ka wariyay Jaabir\‫جابر‬, Abuu Yaclaa\‫ أبويعلى‬uu isaguna ka
wariyay Faadhimah\‫ فاطمة‬macnihiisu waxaa weeye:
“cunug kasta oo banii Adanka ka mid ah wuxuu leeyahay casabo iyo qabiil intaan ka ahayn
labada wiil ee Faadhimah\‫فاطمة‬, waana Al Xasanu\‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu\‫الحسين‬, oo
labadoodaas anigaa ah waligooda iyo casabadoodaba.”
Wuxuu kaloo Sallaa Allaaghu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫ فإن هللا جعل ذريتي من صلب علي‬،‫"إن هللا لم يبعث نبيا قط إال جعل ذريته من صلبه غيري‬
“inna Allaha lam yabcath Nabiyyan qadh-dh illaa jacala thurriyatahu min sulbihi ghayrii,
fa inna Allaha jacala thurriyatii min sulbi Caliyyin.”
Xadiithka oo ay wariyeen Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Khadhiibu\‫ الخطيب‬macnihiisu waxaa
372
weeye:
“Ilaahay waligiis Nabi sooma dirin, hadduu soo dirana wuxuu caruurtiisa ka dhalay isagaas
dhabarkiisa oo ay ka yimaadeen intaan aniga ahayn oo Ilaahay wuxuu caruurtayda yeelay oo ka
dhaliyay dhabarka Calii\‫علي‬.”
Waa intaas warka Al Zarqaanii.
Taas ayaana u sabab ah in Al Xasanu\‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu\‫ الحسين‬loo yiraahdo Al Xasanu bin
Faadhimah\‫ الحسن بن فاطمة‬iyo Xusaynu bin Faadhimah\‫الحسين بن فاطمة‬, in kastoo ay ilamaha
Caliina\‫ علي‬yihiin.
Kitaabka Usudu Al Ghaabah‫أسد الغابة‬: Al Xusaynu\‫الحسين‬
Al Imaamu al muxaddath Calii bin Muxammad bin Cabdu Al Kariimi bin Cabdu Al Waaxid Al
Jazarii, Al Shaybaanii, Abuu Al Xasan\‫ أبو الحسن‬،‫علي بن محمد بن عبد الكريم بن عبد الواحد الشيباني‬,
koofaartiisuna Cizzu Al Ddiini\‫ عز الدين‬tahay, loona yaqaanno Ibnu Al Athiir\‫إبن األثير‬, wuxuu ku
dhashay Jaziiratu ibnu Cumar\‫جزيرة إبن عمر‬, ee waqooyiga Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla sanadka shan
boqol shan iyo konton, una dhigantah kun boqol iyo lixdan ee miilaadiga ah, wuxuuna ku
dhintay Al Muusil\‫ الموصل‬ee waqooyiga dalka Ciraaq sanadka lix boqol iyo soddon Hijrada una
dhiganta kun laba boqol saddex iyo soddon miilaadiga ah.
Wuxuu ahaa caalin ku xeel dheer taariikhda iyo nasabka iyo adabta suugaanta ah. Kutubbaduu
allifay waxaa ka mid ah kitaabka Al Kaamilu\‫ الكامل‬oo laba iyo toban mujallad ka kooban kuna
saabsan taariikhda ilaa sanadka lix boqol sagaal iyo labaatan, oo uu Al Ziriklii yiri:
"inta badan ee culummada taariikhda oo isaga ka dambeeyey waxay ciyaal u yihiin oo ka barteen
kitaabkiisaan".
Wuxuu kaloo dhigay kitaabkaan la yiraahdo Usudu Al Ghaabah fii macrifati al ssaxaabah ‫أسد‬
‫الغابة في معرفة الصحابة‬. Imaamkaanu wuxuu kitaabkiisa, oo xuruufta hijaa'iga u nidaamsan, wuxuu
ka yiri Al Imaamu Al Xusayny\‫اإلمام الحسين‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxaa ka mid ah inta soo socota.
Yaclaa bin Murrah\‫ يعال بن مرة‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ حسين سبط من األسباط‬.‫ أحب هللا من أحب حسينا‬.‫"حسين مني وأنا من حسين‬
"Xusaynu minnii wa anaa min Xusayn. Axabba Allaahu man axabba Xusaynan. Xusaynu
sibdhun mina Al Asbaadhi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Xusayn aniguu iga mid yahay, aniguna Xusayn ayaan ka mid ahay. Ilaahay ha jeclaado qofka
Xusayn jeclaada. Xusayn waa Sibdhi, ahna qabiil, ka mid ah Asbaadha, oo ah qabaa'ilka", ahna
waxaa ka farcami doono qabiil qabaa'ilka ka mid ah, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku abtirsada."
Al Xusaynu\‫الحسين‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu ahaa faadil, soomid badan iyo salaad iyo
xaj, iyo sadaqo, iyo dhamman afcaasha khayrka ah oo idil."
Abuu Saciid Al Khudriyyu\‫ أبو سعيد الخدري‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
373
".‫"الحسن والحسين سيدا شباب أهل الجنة إال إبني الخالة عيسى ويحيي بن زكريا عليهما السالم‬
"Al Xasnu wa Al Xusaynu sayyidaa shabaabi ahli al jannati illaa ibnay al khaalah: Ciisaa
wa Yaxyaa bin Zakaraiyaa'a Calayhimussalaamu", oo macnihiisu yahay:
"Al Xasanu iyo Xusaynu waa labada hoggaamiye ee dhallinyarada jannada ku jirta intaan ka
ahayn labada ilmo habaryar oo ah Ciisaa iyo Yaxyaa bin Zakariyaa'a Calayhimussalaamu."
Usaamah bin Zayd\‫ أسامة بن زيد‬wuxuu yiri:
"waxaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeen ugu imid xaajo aan lahaa, markaasuu
ii soo baxay isagoo ay go'iisa wax ku hoos jiraan, aanan ogayn waxay yihiin. Markaasaan
markaan xaajadayda dhammaystay ayaan waxaan iri: "waa maxay waxaan aad hagoogisay?"
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marada ka qaaday. Mase waa Xasan\‫ حسن‬iyo
Xuseen\‫ حسين‬oo labadiisa miskood saaran, wuxuuna yiri:
".‫ وأحب من يحبهما‬،‫ اللهم إني أحبهما فأحبهما‬،‫"هذان إبناي وإبنا إبنتي‬
"haathaani ibnaaya wa ibnaa ibnatii, allaahumma inni uxibbuhumaa fa axibhumaa, wa
axibba man yuxibbuhumaa", oo macnihiisu yahay:
"labadaani waa labadayda wiil iyo labada wiil ee gabadhayda. Ilaahayow anigu waa jaclahay
labadooda ee adiguna jeclow, jeclowna qofka labadooda jecel."
Zayd bin Arqam\‫ زيد بن أرقم‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ أحدهما أعظم من األخر كتاب هللا حبل ممدود من السماء إلى‬،‫"إني تارك فيكم ما إن تمسكتم به لن تضلوا‬
".‫ فانظروا كيف تخلفوني فيهما‬.‫ ولن يتفرقا حتى يردا الحوض‬.‫ وعتري أهل بيتي‬،‫االرض‬
"innii taarikun fiikum maa in tamassaktum bihi lan tadilluu, axaduhumaa acthamu mina
al aakhari: Kitaabu Allaahi xablun mamduudun mina al ssamaa'i ilaa al ardi, wa Citratii
Ahlu Baytii. Wa lan yatafarraqaa xattaa yaridaa al xawda. Fa unthuruu kayfa
takhlufuunii fiihimaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"waxaan idiinka dhex tegayaa wax haddaad ku dhegtaan aydnaan lumayn, oo midkoodba uu kan
kale ka weyn yahay, waana Kitaabka Ilaahay, oo ah xarig samada kasoo laadlaada ilaa arliga iyo
qoyskayga Ahlu Baytkayga. Mana kala tegayaan jeer ay xawdka soo arooraan. Hadaba fiiro u
lahaada sidaad labadoodaas khaliifo iiga dambeeya iigu noqoneysaan, oo aad u geleysaan."
Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫ عبد هللا بن عباس‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ وأحبوا أهل بيتي بحب هللا‬،‫ وأحبوني بحب هللا‬،‫"أحبوا هللا لما يغذيكم من نعمه‬
"Axibbuu Allaaha limaa yaghthuukum min nicamiHi, wa axibbuunii bi xubbi Allaahi, wa
axibbuu Ahla Baytii bi xubbii".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
374
"Ilaahay u jeclaada isagoo nicmooyinkiisa rizqi idinka siiya oo idiinku nicmeeya, anigana ii
jeclaada jeceylka Ilaahay aad jeceshiin daraadiis. Ehelu Baytkaygana, waa qoyeskiisee, u
jeclaada jecaylkaad aniga i jeceshiin daraadiis."
Abuu Bakr bi Cayyaash\‫ أبوبكر بن عياش‬wuxu ka wariyay Caasim\‫ عاصم‬oo ka wariyay Zir\‫ زر‬inuu
Cabdu Allaahi yiri:
"waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo haya gacanta Al
Xasanu\‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu\‫ الحسين‬lehna:
".‫ ومن أبغضهما فقد أبغضني‬،‫ فمن أحبهما فقد أحبني‬،‫"هذان إبناي‬
"haathaani ibnaaya, faman axabbahumaa fa qad axabbanii, wa man abghadahumaa fa
qad abghadanii",
oo macnihiisu yahay:
"labadaanu waa labadayda wiil, oo qofka jeclaada aniguu i jeclaaday, qofka labadooda nacana
aniguu i nacay."
375
Qaybta Toddobaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Mucjizooyinka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyay mucjizoonka
Anbiyadoo idil la siiyay oo kale
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri: Waxaa Kitaabka Al Duruju Al Muniifah/‫ الدرج المنيفة‬ku dhigan
inay culummada qaarkood Xadiithkaan u ayyadeen oo ay u oggolaadeen ayagoo ku tiirsanaya
qaacidada ama saldhigga, ama xeerka la isku waafaqsan yahay oo ah in Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyay mid la mid ah mucjizo kasta oo Nabi kale oo kasta la siiyay.
Ilaahy wuxuu Ciise/‫ عيسى‬usoo nooleeyey dad mayd ah oo qubuurohooda ku jira. Marka
laabudda waa in Nabigeenana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taasoo kale la siiyay,
mucjizooyinka noocaan ahna middaan mooyee mid kale lama warin.
Marka, sidaas ayaan lagu fogeysaneyn jiritaankeeda iyo sugnaansheheeda, in kastoo ay noocaan
soo hoos gelayaan hadalka uu garabkuu doonayey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu cuno
oo la hadlay, iyo boohinta ay jirridduu ku tiirsan (ama uu ku istaagi jiray, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, markuu Khudhbada Jimcaha jeedinayo) jiray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
kaddib markuu minbar samaystay, saddex jaranjaro ka kooban, oo uu ku dul istaagi jiray.
Al Sakhaawii/‫السخاوي‬
Mucjizooyinkaanse way ka duwan yihiin mucjizoonyinkii Ciise/‫عيسى‬, waxaanse shaki ku jirin
inay dariiqyada Xadiithkaan daciifka ah xoojinayaan oo ay tahay inuu waafaqsan yahay
qawaacidda degsan. Taasi waxay kasoo horjeeddaa waxa uu Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬wariyay inuu
Ilaahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa ku soo nooleeyey koox
dad ah, sidaasna ay u qireen Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬iyo ghayrkiisba, uuna Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬ku
daray mucjizooyinkiisa inuu Ilaahay gacantiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo
nooleeyey shan qof, ay aabihiis iyo hooyadiisna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid
yihiin.
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬waxaa ku raacay badbaadidda aabihiis iyo hooyadis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo inay Jannada ku jiraan, caalin kale, oo ah sheekhiisa Al
Sakhaawii/‫السخاوي‬, oo ah Calamu Al Diin Calii bin Muxammad bin Cabdu Al Ssamad, Al Misrii,
Al Shaaficii /‫عالم الدين علي محمد بن عبد الصمد المصري‬, oo loo nisbeeyey magaalada Sakhaa/‫ سخا‬ee
Masar/‫ مصر‬ku taalla, wuxuuna degay laguna oofsaday sanadka lix boqol iyo saddex iyo afartan
ee Hijriga, una dhigantah kun iyo laba boqol iyo shan iyo afartan ee Miilaadiga ah, magaalada
Dimishiq/‫ دمشق‬ee dalka Suuriya/‫سوريا‬, wuxuuna dhigay kutubbo ay ka mid yihiin Hidaayatu Al
Murtaabi/‫هداية المرتاب‬. Al Sakhaawii/‫ السخاوي‬wuxuu kaloo yahay Sheekha Imaam Al
Nawawii/‫األمام النووي‬, Allaha dhammaantood u naxariistee.
376
Al Qurdhubii Al Maalikii/‫القرطبي المالكي‬
Waxaa raadkiisa raacay, oo isaguna qiray inay aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Jannada ku jiraan, Al Imaamu, Al Mufassir Muxammad bin Axmad bin Abii Bakr
bin Farx, Abuu Cabdu Allaahi Al Ansaarii, Al Khazrajii Al Andalusii Al Qurdhubii Al Warac,
Al Zaahid‫ أبة عبد هللا األنصاري الخزرجي األندلوسي القرطبي الورع‬،‫ا إلمام المفسر محمد بن أحمد بن أبي بكر بن فرح‬,
lana oofsaday bisha Shawwaal ee sanadka lix boqol iyo kow iyo toddobaatanka Hijrada oo
kutubbada badan dhigay, kuna mashquulay waxay isaga dani ugu jirto, isagoo waqtigiisa u
qaybiyay cibaadeysi iyo waxbarid iyo kutubbo dhigid. Kutubbadiisa waxaa ka mid ah Tafsiirka
Wayn ee Caddaynta Axkaamta Quraanka loogu noqdo ee Math-habka Imaam Maalik, lana
yiraahdo Al Jaamicu li Axkaami Al Quraani/‫أحكام القرآن‬, oo toban mujallad ka kooban (midka aan
anigu haysto). Al Qurdhubii wuxuu kitaabkiisa Al Tathkirah/‫ التذكره‬ku yiri:
“Nabi Muxamad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fadaa’ishiisa oo ah deeqaha uu Ilaahay
siiyay oo uu khalqiga intiisa kale dheeryahay, oo isaga khaas iyo gooni u ah way taxnaayeen, oo
is daba joogeen, ilaa laga oofsaday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Marka soo nooleynta aabihiis iyo hooyadiis (iyo inay rumeeyeen, oo ay mu’miniin noqdeen
ehelu Janno ah) waxay ka mid tahay deeqaha uu Ilaahay inta kale uga kor yeelay, uuna ku
karaameeyey. Marka, sidaas ayuusan arrinkaani ka horimaaneyn Aayad Quraan ah iyo ijmaac
toona, Quraanka iyo ijmaaca oo ku saabsan intaan wax khaas iyo gooni ahayn.”
Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
“In aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dib loo soo nooleeyo oo ay
rumeeyaan, ma aha wax caqligu diidayo, maxaa yeelay waa wax hore u dhacay, caqliguna uu
malayn karo, shareecaduna ayan diidayn, ayadoo Kitaabka Caziizka ah lagu wariyay dib usoo
nooleynta ninka reer Banii Israa’iil iyo inuu sheegay ninka dilay, sida ku dhigan Aayadaha
toddoba iyo lixdan ilaa saddex iyo toddobaatan ee Suuratu Al Baqarah \‫سورة البقرة‬, oo ninkaas la
dilay la aqoon waayey cidda dishay.
Markaasey reer Banii Israa’iil\‫ بني إسرائيل‬Muuse\‫ موسى‬u tageen oo ay weydiisteen inuu Ilaahay
baryo si uu ugu caddeeyo qofka ninkaas dilay. Markaasuu Ilaahay amray inay sac gawracaan,
markaasna ay cad hilibka sacaas ka mid ah maydkii ninka la dilay ku dhuftaan. Markay sidaas
yeeleen oo ay ku dhufteen ayuu inta dib usoo noolaaday oo uu hadlay sheegay inuu dilay wiilkuu
walaalkiis dhalay oo uu adeerka u yahay. Kaddibna dib ayuu u dhintay. Markaasaa wiilkii
dhaxalka ninkuu dilay, oo hodan ahaa, laga qadiyay, kaddibna loo dilay. Ciisena/‫ عيسى‬wuxuu
ahaa mid dadka maydka ah oo dhintay soo nooleeya, siduu Quraanku noo sheegay, wuxuuna soo
nooleeyey Al Caazar/‫العازر‬, oo ahaa nin saaxiibkiis ah, saddex maalmood kaddib markuu dhintay
oo la duugay. Ciise/‫ عيسى‬wuxuu kaloo soo nooleeyey wiilkay dhashay haweenta duqda ah,
isagoo nacashka lagu sido, kafantiina ay ku duubantahay. Wuxuu kaloo soo nooleeyey gabadha
uu dhalay nin canshuurta dawladda qaadi jiray. Dhammaantoodna dadkaas dib loo soo
nooleeyey, waqtigaas kaddib waqti dheere ayay noolaayeen, caruur ayayna dhaleen. Wuxuu
kaloo soo nooleeyey Saam/‫ سام‬ina Nabi Nuux/‫( نوح‬oo kumanyaal sano ka hor dhintay, intaasna
duugnaa), kaasoo isla markiiba hadana dhintay.
377
Maydkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam soo
nooleeyey idanka Ilaahay Tacaalaa
Al Bayhaqii/‫البيهقي‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri: sidaasoo kale, Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu Ilaahay gacantiisa kusoo nooleeyey koox dad dhintay ah. Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu soo nooleeyey gabadha uu dhalay ninkii ku yiri, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, “Ku rumeyn mayo jeer aad gabadheyda ii soo nooleysid”.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yimid qabrigeeda, uuna u yeeray, oo uu
magaceeda ugu yeeray. Markaasey intay qabriga kasoo baxday waxay tiri:
“Labbayka wa sacdayka/‫ ”لبيك وسعديك‬oo ah waa i kanaa oo waan ku adeecay markaad ii yeertay
ee maxaan kuu qabtaa?”
Kaddibna way dhimatay, siduu Al Bayhaqii/‫ البيهقي‬kitaabkiisa Dalaa’ilu Al Nubuwwati/‫دالئل النبوة‬
ku wariyay.
Qaalli Ciyaad/‫القاضي عياض‬
Qaalli Ciyaad/‫ عياض‬ahna Abuu Al Fadli Ciyaad Al Yaxsabii/‫ أبو الفضل عياض اليحسبي‬oo dhintay
shan boqol afar iyo afartan Hijriga, kitaabkiisuna waa “Al Sh-shifaa bi tacriifi xuquuqi Al
Mushafaa/‫ ”الشفاء بتعريف حقوق المصطفى‬mujalladka labaad bogga saddex boqol iyo labaatan)
riwaayaddiisa wuxuu ku wariyay oo u intaas ku daray oo uu gabadhaas ku yiri: “Wuxuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa calaa Aalihi Wa Sallam ku yiri:
.”‫“إن أبو يك قد أسلما فإن أحببت أن أردك عليهما‬
“inna abawayki qad aslamaa fa in axbabti an aruddaki calayhimaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“labadaada waalid way islaameen marka haddaad dooneysid waa kuu celinayaa ee raac.”
Markaasay waxay tiri: “labadoodas xaajo kama lihi, oo waxaan helay inuu Ilaahay labadooda
iiga khayr badan yahay.”
Wiilka hooyadiis oo gabowday loo soo nooleeyey
Wuxuu kaloo Nabi Muxammad. Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo nooleeyey aabihiis iyo
hooyadiis. Nin dhallinyaro ah oo Ansaarta/‫ األنصار‬ka mid ahaa ayaa dhintay, markaasey
hooyadiis, oo duq indha beeshay ahayd, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
timid, oo ay Hijrada ay Ilaahay iyo Rasuulkiisa usoo hijrootay ku Alle baraday. Markaasuu
Ilaahay wiilkeeda usoo nooleeyey, siduu Al Bayhaqii u wariyay, iyo Ibnu Cadiyyi/‫ إبن عدي‬iyo
kuwo kaleba.
Qaalli Ciyaad/‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
“Anas/‫ أنس‬wuxuu wariyay inuu nin dhallin yar oo Ansaarta\‫ األنصار‬ka mid ihi dhintay,
hooyadiisna waxay ahayd cajuuzo indha la’. Markaasaan maydka dhignay oo aan maro kor
saarnay, ayadana aan uga tacsiyeynay.
378
Markaasay waxay tiri:
“wiilkaygu ma dhintay?”
Waxaan niri:
“haa.”
Waxay tiri:
“Ilaahayow haddaad ogtahay inaan usoo hijrooday Adiga iyo Rasuulkaaga rajo aan ka qabo
inaad iga caawintaan dhibaato kasta, musiibadaan ha igu xambaarin.”
Markaasaan markaan waabariisannay ayuu marada ka qaaday wajigiisa oo uu markaas cunno
cunay annaguna aan cunnay.”
379
Qaybta Sideedaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Dadka Zamanka Fatrada\‫زمن الفترة‬
Qaybta Koowaad
Arrinka ku saabsan Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis
iyo inay ehelu Janno yihiin
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
"Muxammad ibnu Sacad/‫ محمد إبن سعد‬wuxuu kitaabkiisa Al Dhabaqaatu/‫ الطبقات‬uga wariyay Ibnu
Cabbaas/‫ إبن عباس‬iyo Al Zuhriyyu/‫ الزهري‬kanoo ah Muxammad bin Muslim bin Shihaab ‫محمد بن‬
/‫ مسلم بن شهاب‬iyo Caasim (waa saad) bin Cumar bin Qataadah bin Al Nucmaan Al Madanii (oo
reer Madiinah Al Mumawwarah ah) Al Ansaarii Al Awsiyyi (oo u dhashay qabiilka Aws) ‫عاصم بن‬
/‫عمر بن قتادة بن النعمان المدني األنصاري األوسي‬, caalin lagu kalsoon yahayna ah oo Xadiithka iyo
Ghazwooyinka cilmigooda ku xeel dheer, lana oofsaday sanadka boqol iyo labaatan Hijrada, oo
ay dhammaantoodba axaadiithtay wariyeen is dhex galeen oo ah inay isku erayo xadiithka ku
wariyeen, siduu Al Suhaylii/‫ السهيلي‬yiri, erayada qaarkoodna uu mid walba gooni u leeyahay,
waxayna yiraahdeen:
“Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lix sano jirsaday, ayay hooyadiis
intay Makkah ka waday ayay reer abtigiis reer Bani Cadiyyi bin Al Najaar/‫بني عدي بن النجار‬, oo Al
Madiinah Al Munawwarah/‫ المدينة المنورة‬deggan la aaday inay soo booqato. Reer Banii Cadiyyi
bin Al Najjaar waa reer abtiga awoowihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalaam, Cabdu Al Mudhdhalib/‫عبد المطلب‬, oo ay dhashay Salmaa bintu Camr bin Zayd bin Labiid bin Khidaash bin
Caamir bin Ghanm bin Cadiyyi bin Al Najjaar ‫سلمى بنت عمرو بن زيد بن لبيد بن خداش بن عامر بن غنم بن‬
‫عدي النجار‬. Salmaa hooyadeed waa Cumayyata bintu Dahr (waa daadka dhibicda kor ku leh oo
saadka ku xigah) bin Xabiib bin Al Xaarith bin Thaclabah bin Maazin bin Al Najjaar ‫عمية بنت ضهر‬
‫بن حبيب بن الجارث بن ثعلبة بن مازن بن النجار‬. Cumayrata hooyadeedna waa Salmaa bintu Cabdul Ashhal Al Najjaariyyata/‫سلمى بنت عبد األشهل النجارية‬.”
Ibnu Isxaaqna/‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Ujeedada booqasheedu waxay ahayd inay Al Musdhafaa/‫المصطفى‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wado oo ay u geyso (reer abtigiis), si ay u arkaan.”
Waxaa kaloo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la socday Ummu Ayman Barakah/‫ أم أيمن بركة‬oo
qabiilka Al Xabashah/‫ الحبشة‬u dhalatay, uuna Nabiga , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
aabihiis xoreeyey. Waxaa kaloo la yiri: bal Nabigaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
xoreeyey. Waxaa kaloo la yiri: waxaa lahaan jirtay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hoyadiis. Ummu Ayman/‫ أم أيمن‬waxay islaantay bilowga Islaamka oo ay ku horreysey, labada
hijrana way hijrootay, kuwaasoo kala ahaa Hijrada Koowaad oo arliga Xabashada ay
muslimiintu u hijroodeen, kaddibna waxay muslimiinta ula hijrootay Al Madiinaha Al
380
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, Allaha sharafteeda iyo darajada Rasuulka degganba, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kordhiyee. Ummu Ayman/‫ أم أيمن‬waxay markaas Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ula socotay ayadoo haysey oo xannnaaneyn jirtay. Manaaqibta iyo ammaanta
Ummu Ayman‫ أم أيمن‬way badan yihiin, waxayna dhimatay, siduu Muslim Al Zuhriyyi /‫الزهري‬
uga wariyay, shan bilood Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib.
Thaabit bin Qays bin Shammaas/‫ثابت بن قيس بن شماس‬
Markuu dhintay Ansaarta\‫ األنصار‬nin ka mid ahaa,, oo la kafnay, ayay marada ka faydeen
markaasuu afkiisa ka yiri: “Muxammadun Rasuulu Allaahi/‫”محمد رسول هللا‬, oo ah:
“Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Rasuulka Ilaahay.”
Waxaa Xadiithkana wariyay Ibnu Abii Al Dunyaa/‫إبن أبي الدنيا‬, kuna xusay kitaabkiisa Man
Caasha bacda Al Mawti/‫من عاش بعد الموت‬, oo ah kuwa geeri kaddib noolaaday.
Ibnu Al Daxaak/‫ إبن الضحاك‬wuxuu wariyay inuu nin Ansaarta\‫ األنصار‬ka mid ahi dhintay,
markaasaa la kafnay, oo la qaaday, isagoo sidaas mayd u ah ayuuna wuxuu yiri: “Muxammadun
Rasuulu Allaahi.”
Ninkaasna wuxuu ahaa Thaabit bin Qays bin Shammaas/‫ ثابت بن قيس بن شماس‬, siduu Qaalli
Ciyaad\‫ القاضي عياض‬kitaabkiisa Al Shifaa’\‫ الشفاء‬ugu wariyay.
Thaabit/‫ ثابت‬waxaa lagu dilay dagaalka Al Yamaamah/‫ اليمامة‬oo ka mid ah dagaallada uu Abuu
Bakar Al Siddiiqu/‫ أبو بكر الصديق‬ku qaaday kuwa riddoobay.
Zayd bin Khaarijah/‫زيد بن خارجة‬
Qaalli Ciyaad/‫ القاضي عياض‬wuxuu wariyay inuu Al Nnucmaanu bin Bashiir/‫ النعمان بن بشير‬wariyay
inuu Zayd bin Khaarijah/‫ زيد بن خارجة‬dariiqyada Al Madiinah\‫ المدينة‬midkood ku dhacay isagoo
mayd ah. Markaasaa la qaaday oo maro la saaray. Markaasay haweenu inta maghribka iyo
cishaha u dhexeysa booyayeen oo qaylinayeen, markaasay waxay maqleen isagoo leh “aamusa,
aamusa.”
Markaasaa wajigiisa kafanta laga fayday, markaasuu wuxuu yiri:
“Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Rasuulka Ilaahay, Nabiga Ummiga ah, iyo
midka Anbiyada lagu gunaanaday, sidaas ayayna ugu dhignayd Kitaabkii hore”.
Kaddibna wuxuu yiri:
“Run ayuu sheegay, run ayuu sheegay”, wuxuuna xusay Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo
Cuthmaan\‫عثمان‬, kaddibna wuxuu yiri:
“Al Ssalaamu Calayka yaa Rasuula Allaahi wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuhu ‫السالم عليك يا‬
‫”رسول هللا ورحمة هللا وبركاته‬. Kaddibna maydnimadii ayuu ku noqday.”Waa intas warka qaalligu.
Sugnaanta dib usoo noo nooleynta
Hadday dib usoo nooleynta dadkaasi ay sugnaatay, maxaa diidaya inay aabihiis iyo hooyadiis,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib marka la soo nooleeyey ay rumeeyeen, taasoo ah
381
ziyaado iyo kordhin fadiiladiisa iyo karaamadiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al
Qurdhubii/‫القرطبي‬, oo Xadiithkiisa sii wata wuxuu yiri:
“Kan yiri qofka gaalnimo ku dhintah iimaan uu rumeeyo kaddib marka la soo nooleeyo yawmul
qiyaamaha wax tari mayo, bal hadduu rumeeyo cathaabta markuu arko kaddib, taasina wax tari
mayso, sideebey marka wax u tareysaa marka dib loo soo nooleeyo, siday dad yiraahdeen, waa
marduud/‫مردود‬, oo hadalkiisaas waa wax kama jiraan oo isaguu dib ugu laabanayaa.”
Ninka warkaas yirina waa Ibnu Daxyah/‫إبن دحية‬, hadalkiisana, siduu Al Sayuudhii/‫السيوطي‬
kitaabkiisa Al Fawaa’id/‫ الفوائد‬ugu caddeeyey, waa bukaa, waana daciif taag darann, oo xujjo ku
istaagi mayso.
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuuna kitaabkiisa Masaaliku Al Xunafaa’i/‫ مسالك الحنفاء‬ku caddeeyey
inaan hadalkiisaas shayna laga helin, aanna lagu warin kutubbada Xadiithka ee lagu kalsoon
yahay, laguse xusay kutubbada Tafsiirka qaarkood, markay fasirayaan Aayadda sideed iyo
tobnaad ee Suuratu Al Nisaa’/‫ سورة النساء‬iyo Aayadaha boqol iyo sagaal iyo toban iyo laba boqol
iyo toddoba iyo toban ee Suuratu Al Baqarah/‫سورة البقرة‬, warkaasna waa war muqdac ah, oo
go’an oo aan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la xiriirsanayn, xujjana aan
gelin.”
Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
“Hadalkaasna wuxuu marduud ku yahay Xadiithka inuu Ilaahay Nabigiisa Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, qorraxda , kaddib markay dhacday, uu usoo celiyay. Xadiithkaas
waxaa wariyay Al Imaamu Al callaamah Al xaafith, oo kutubbo badan oo lagu intifaaco dhigay,
Abuu Jacfar Axmad bin Muxammad bin Saalim Al Azdii Al Dhaxaawii Al Misrii Al Xanafii ‫أبو‬
‫جعفر أحمد بن محمد بن سالم األزدي الطحاوي المصري الحنفي‬, faqiiha lagu kalsoon yahay, oo dhashay
sanadka laba boqol iyo sagaal iyo soddon, dhintayna bilowga bisha Thul Qacdah ee sanadka
saddex boqol iyo kow iyo labaatan Hijriga, wuxuuna yiri waa Xadiith saxiix ah ama Xasan.
Markay haddayan soo noqoshada qorraxdu iyo dib u soo celinteedu waxtar lahayn, oo uusan soo
noqoshadeedu waqtigii hore oo tegey soo cusbooneysiineyn, oo ay saacaddu meeshay joogtay
soo celinteeda ka hor ka sii socon lahayd, looma soo celiyeen.
Sidaas oo kale ayaa soo nooleynta aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxtar u lahayd ayagoo rumeeyey oo iiimaan laga helay ay Nabiga, Sallaa Allaahu Clayhi
Wasallam, ku rumeeyeen.
Sidaas wuxuu Al Dhaxaawii\‫ الطحاوي‬ugu wariyay kitaabkiisa Al Tacthiimu wa Al Munnah ‫التعظيم‬
/‫والمنة‬.
Waxtarka ay usoo celinta qorraxdu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
lahayd waxay ahayd sidatan: qorraxdu waxay ka dhacday isagoo aan Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam salaadda casark tukan, isagoo duullaanka Khaybar/‫ غزوة خيبر‬ku jiray. Markaasuu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay ka baryay inuu qorraxda usoo celiyo, si uu salaadda
waqtigeeda ugu tukado. Markaasaa Ilaahay qorraxda usoo celiyay, oo ay casar noqotay, kaddib
markay hore u dhacday oo ay libirtay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saladda
casar waqtigeeda ku tukaday.
382
Marka in waqtiga sidiisii hore, oo ahaa intay saladda casar jirtay, loogu soo celiyay waxaa u
daliil ah inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu salaadda casar watigeeda ku
tukaday, oo uusan qallo ahaan u takan, oo hadduu qallo ku tukan lahaa soo celinteeda kaddib,
soo celinteedu waxtar uma ayan yeelan lahayn.
Wuxuu yiri:
“waxaan ku guuleystay inaan helay daliil aan daliilsado oo midka qorraxda kasii cad, kaasoo ah
sida la wariyay inay Asxaabu Al Kahfi/‫ أصحاب الكهف‬aakhiru zamanka la soo nooleyn doono, oo
ay soo xajjinayaan, ayna ummaddaan ka mid noqon doonaan (waa ummadda Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), taasoo ayaga lagu sharfayo oo sharaf u ah, oo wuxuu Ibnu
Mardawiyyah/‫ إبن مردويه‬uu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri inuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"أصحاب الكهف أعوان المهد‬
“Asxaabu Al Kahfi acwaanu Al Mahdii”,
oo ah:
“Asxaabu Al Kahfi\‫ أصحاب الكهف‬waa taageerayaalka Al Mahdii\‫”المهدي‬, raggaasna waa kuwa ay
qisadoodu ku jirto Suuratu Al Kahfi/‫سورة الكهف‬.
Sidaas ayuu ku cabbiray oo uu ku tiriyay waxay Asxaabu Al Kahfi \‫ أصحاب الكهف‬fali doonaan
marka dib loo soo nooleeyo. Sidaas ayeeyan wax hadda cusub oo ay hadda ugu horreyso u ahayn
inuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬aabaha iyo hooyada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dhalay cumri u dhigay, uuna nafta ka qabtay intayan cumrigaas dhammaysan,
kaddibna uu dib usoo nooleeyey si ay cumrigooda ku dhammaystaan, waqtigaas yarna ay ku
rumeeyaan, waqtigaas yaroo cumrigooda ka mid ah”. Intaas ayuu Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬warkiisu
ku egyahay.
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Waxaaba dhacday inuu Ilaahay aqbalay rumeynta iyo iimaanka qawmkii Nabi Yuunis/‫قوم يونس‬
iyo tawbadoodaba markuu cathaabtii usoo muujiyay, sida mid labada tafsiir oo Aayadda la siiyay
ka mid ah, ahna sida ay Quraanka ugu dhigantahay oo muuqata, waana Aayadda sideed iyo
sagaashanaad ee Suuratu Yuunus/‫سورة يونس‬.”
Xadiithka Al Xaarithu ibnu Sayyidu Al Nnaasi/‫الحارث إبن سيد الناس‬
Lix. Al Xaarith ibnu Sayyidu Al Nnaasi‫ الحارث إبن سيد الناس‬wuxuu wariyay wax la mid ah wuxuu
Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬tilmaamay oo ku saabsan in arrinkaan soo nooleynta iyo rumaynta aabihiis
iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inay tahay wax isaga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u khaas iyo gooni ah oo loo siiyay, wuxuuna kitaabkiisa Al Cuyuunu/‫ العيون‬ku yiri,
kaddib markuu xusay riwaayadda Ibnu Isxaaq oo oranaysa inuu Abuu Dhaalib/‫ أبو طالب‬markuu
dhimanayay islaamay, wuxuuna yiri:
“Waxaana la wariyay inay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬iyo
Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo
hooyadiis, ay ayaguna islaameen, oo uu Ilaahay usoo nooleeyey oo ay markaas rumeeyeen.”
383
Sidaas oo kale ayaa loo wariyay inuu awoowihiisna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu
Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬, islaamay, taasoo baadhil ah, oo aan wax ka jirin, sidaan u arki
doonno. Imaam Axmad, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu duray Xadiithka soo celinta qorraxda,
waxaana ku raacay Ibnu Al Jawziyyi/‫إبن الجوزي‬, oo kuba daray Xadiithkaas Axaadiithta
mawduuca ah.
Waxaase u jawaabay culummo ay ka mid yihiin Mughladhay/‫ مغالطاي‬iyo Al Xaafith ibnu
Xajar/‫( الحافظ إبن حجر العسقالني‬midka sayyidka iyo xaafithka lagu hanuuno ah, waana Ibnu Xajar
Al Casqalaanii), iyo Al Khaydarii/‫ الخيدري‬iyo Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬iyo kuwo kaleba, oo Ibnu
Jawziyyi/‫ إبن الجوزي‬ka yiri: “Waa qaldamay, oo waxaa wariyay (Xadiithka qorraxda) Ibnu
Mundah/‫ إبن منده‬iyo Ibnu Shaahiin/‫إبن شاهين‬, kana wariyay Asmaa’ bintu Cumays/‫أسماء بنت عميس‬.
Waxaa kaloo wariyay Ibnu Marduwayh/‫ إبن مردويه‬oo ka wariyay Abuu Hurayrah/‫أبو هريرة‬, yirina
labadaan Xadiithna isnaadkoodu waa Xasan/‫حسن‬. Kaddibna waxaaba Xadiithkaan Saxiix ku
tilmaamay Al Dhaxaawii/‫ الطحاوي‬iyo Al Qaadii Ciyaad/‫القاضي عياض‬.
Caalinka Shaamiga ahna, oo ah Al Xaafith Shamsu Al Diini Muxammad bin Naasiru Al Diini
Abii Bakr bin Cabdullaahi bin Muxammad Al Dimishiqiyyi ‫الحافظ شمس الين محمد بن ناصر الدين أبي‬
‫بكر بن عبد هللا بن محمد الدمشقي‬, oo noolaa inta u dhexeysey toddoba boqol iyo toddoba iyo
toddobaatan ilaa sideed boqol iyo laba iyo afartan Hijriga, dhigayna kitaabka Mawridu Al Saadii
bi Mawlidi Al Haadii/‫( مورد الصادي بمولد الهادي‬oo ah meeshuu usoo arooro midka u harraadsan
Mawlidka Midka Wax Hanuuniyah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu yiri:
“Hadalka Imaam Axmad/‫ اإلمام أحمد‬iyo koox xufaadda ka mid ah oo yiri inuu Xadiithka qorraxdu
mawduuc yahay waxaa ka cad inuu Xadiithkaas (ayaga) ku gaaray dariiq ay ku wariyeen rag
been low yaal ah, laakiin dariiqyadiisa aan soo sheegnay waa loo cudur daari karaa in daciifnimo
lagu xukmiyo, mawduucnimose maya.”
Jaahiliyada\‫الجاهلية‬: Ilaahay ma bashar\‫ بشر‬ayuu Rasuul ahaan usoo diray?
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
"waxaa jirta culummo qabtah inay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo
hooyadiis Jannada ku jiraan oo aan xujjo ka dhigan Xadiithka Caa’ishah/‫عائشة‬, Allaha raalli ka
noqdee, oo keli ah, ama aan Xadiithkaas isku koobin, daliilse ka dhigtay inay Bicthada/‫ البعثة‬ka
hor dhinteen, Zamanka Fatrada/‫زمن الفترة‬. Fatrah waxaa la yiraahdaa mudada u dhexeysa laba
Rasuul, gaar ahaan ka hor intaan Rasuulka dambe lasoo dirin, waqtigaasoo ay jahliga iyo
aqoondarradu arliga ku faafeen oo ay wada dabooleen, uusanna jirin qof Diinta Xaqqa ah dadka
gaarsiiya.
Ehelu Fatrah/‫ أهل الفترة‬waxaa la yiraahdaa ummadaha noolaa inta Rususha u dhexeysey oo
Rasuulka ka horreyeyna aan ayaga loo soo dirin, kan labaadna aan soo gaarin, sida Carabta
Jaziiradda oo aan Nabi Ciise/‫عيسى‬, Calayhissalaamu, loo soo dirin, Nabi Muxammadna, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, aan soo gaarin.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis gaar ahaan waxaa la
oofsaday ayagoo da’ yar, oo aabihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo waa sax siduu yiri Al
384
Xaafith Salaaxu Al Diin Al Calaa’i/‫الحافظ صالح الدين العلى‬i, inuu cumriga uu noolaa uu ahaa sideed
iyo toban sano, hooyadiisna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa lagu oofsaday ayadoo
qiyaas labaatan jir ah.
Cumrigaas oo kalena kuma filna, gaar ahaan Zamanka Fatrada, inuu qofka baaro arrinkaas oo
kale oo Diinta ku saabsan. Hooyadiis, Sallaa Alaahu Calyhi Wasallam, waxaa intaas u dheer inay
muxajjabad ahayd aan gurigeeda ka bixin oo ragga iyo meelaha diinta looga hadlayo aan dhex
gelin, oo ayan sidaas ku helin cid wax u sheegta. Bal raggii ayaanba wax ogayn, oo aqoon darro
daraadeed waaba ayaga markii Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la soo diray
yiri:
)94( ‫ث اللَّهُ َب َش اار َر ُسواَل‬
َ ‫أ ََب َع‬
“A bacatha Allaahu basharan Rasuulan?(94)”,
oo ah
“Ilaahay ma nin bashar ah ayuu Rasuul ahaan usoo diray?(94)”
Waana Aayadda afar iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Israa’i/‫سورة اإلسراء‬.
Waxay kaloo yiraahdeen, jaahilnimo daraadeed:
ِ
ِ
ِ
ِ
َّ ‫ولَو َش‬
)54( ‫ين‬
َ ‫اء اللهُ ََل َْن َز َل َم ًَلئ َكةا َما َسم ْع َنا بِهَ َذا في آ ََبائ َنا ْاَل ََّوِل‬
َ َْ
“Wa law shaa’a Allaahu la anzala Malaa’ikatan ma samicnaa bi haathaa fii aabaa’inaa al
awwaliina(24)”,
waana Aayadda afar iyo labaatanaad ee Suuratu Al Mu’minuuna/‫سورة المؤمنين‬, macneheeduna
waa:
“Hadduu doono Ilaahay wuxuu soo dejin lahaa Malaa’ig (Risaalada nasoo gaarsiisa), kamana
aanan maqlin arrinkaan aabayaalkkeennii horreeyey (in nin Rasuul ahaan loo soo diro)(24)”.
Marka, sidaas ayayan dadka Fatradu Rasuul loo soo diro u cilmi lahayn, reer Makkah \‫ مكة‬noolaa
Bicthada horteedna iyo Ibraahiim/‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil/‫ إسماعيل‬waxaa u dhexeysey in ka badan
saddex kun oo sano, siduu ugu wariyay kutubbadiisa Masaaliku Al Xunafaa’i/‫ مسالك الحنفاء‬iyo Al
Duruju Al Muniifah/‫الدرج المنيف‬.
Xukunka qofkaan Risaalada iyo ugu yeeridda Ilaahay ayan gaarinna waxaa weeye inuu
dhimanayo isagoo badbaaday oo aan la cathaabayn, Jannadana uu gelayo. Sidaas ayuu ku
wariyay kitaabkiisa Subulu Al Najaati/‫سبل النجاة‬. Bicthada horteedna la is cathaabi mayo, siduu
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadda shan iyo tobnaad ee Suuratu Al Israa’i/‫ سورة اإلسراء‬ku yiri:
ِّ
)15( ‫ث َر ُسواَل‬
َ ‫ين َحتَّى َن ْب َع‬
َ ِ‫َو َما ُكَّنا ُم َعذب‬
“Wa maa kunnaa mucath-thabiina xattaa nabcatha Rasuulan(15)”,
385
oo macneheedu yahay:
“Mana cathaabno intaan uga soo dirno Rasuul(15).”
Sidaas ayaan qofka loo cathaabeyn jeer uu u yimaado Rasuul/‫ رسول‬la soo diray oo u caddeeya
xujjooyinka, shareecadana u keena oo u macneeya. Taasi waxay daliil u tahay inayan
waajibnimo jirin jeer sharreco la helo, ayadoo ay ciqaabtu ka dhalaneyso la imaansho la’aanta
ama diididda wixii Ilaahay qofka waajib uga dhigay.
Al Imaam Al Sh-shaaficii/‫اإلمام الشافعي‬
Al Sayuudhii /‫السيوطي‬wuxuu yiri: “Fuqahada Math-habka Shaaficiyada/‫ فقهاء مذهب الشافعي‬iyo
Imaamyada Ashcariyyiinta/‫ األئمة األشعريين‬ee Usuuliyiinta/‫ األصوليين‬ah waxay sheegeen in qofka ku
dhintah isagoo ayan dacwadu gaarin, inuu dhimanayo isagoo badbaaday oo uu Jannada gelayo.”
Waxaa sidaas isaguna dhigay Al Imaamu Abii Cabdu Allaahi Muxammad bin Idriis Al
Shaaficii/‫اإلمام أبي عبد هللا محمد الشافعي‬, Imaamka Math-habkaas, oo la oofsaday sanadka laba
boqol iyo afar ee Hijrada, kuna dhigay kitaabkiisa fiqiga ee Al Umm/‫ األم‬iyo kitaabkiisa kale ee
Al Mukhtasar/‫المختصر‬, waxaana ku raacay asxaabta Math-habkiisa oo idil, oo midkoodna ma
uusa khilaafin, waxayna daliil ka dhigteen dhawr Aayadood oo ay ka mid yihiin Aayadda shan
iyo tobnaad ee Suuratu Al Israa’i/‫ سورة اإلسراء‬oo uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا سبحانه‬
\‫ وتعالى‬ku yiri:
ِّ
)15( ‫ث َر ُسواَل‬
َ ‫ين َحتَّى َن ْب َع‬
َ ِ‫َو َما ُكَّنا ُم َعذب‬
“Wa maa kunnaa mucath-thabiina xattaa nabcatha Rasuulan(15)”,
oo macneheedu yahay:
“Mana cathaabno intaan uga soo dirno Rasuul(15).”
Arrinkaanna waa mas’alo fiqiga raacsan oo kutubbada fiqiga ku degsan oo ku sugan. Isla
markaasna waa mas’alo ah farac ka mid ah furrucda qaacido usuuli ah oo ay Ashcariyyiintu isku
waafaqsan yihiin. Qaacidadaasi waa midda la yiraahdo Shukru Al Muncimi/‫شكر المنعم‬, oo ah ku
shukrinta Midka Nicmeeyey, taasoo waajib ku noqoneysa maqlidda in dacwada la maqlo, oo aan
in arrinkaasu uusan in caqliga lagu gaaro oo lagu garto waajib ku noqoneyn.
Qaaciddo labaad oo usuuli ah oo ku saabsan qofkayan dacwadu gaarin waxay leedahay inuusan
takliif saarneyn qofkayan dacwadu gaarin oo moogan oo aan kaba warhayn, taasoo sawaabta ah,
ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadda boqol iyo kow iyo soddon ee Suuratu Al
Ancaam‫ سورة األنعام‬ku yiri:
ِ
ِ
)121( ‫ون‬
َ ‫َن لَ ْم َي ُك ْن َرب‬
ْ ‫ُّك ُم ْهلِ َك اْلقَُرى بِظُْلٍم َوأ‬
ْ ‫َذل َك أ‬
َ ُ‫َهلُهَا َغافل‬
386
“Thaalika an lam yakun Rabbuka muhlika al quraa bi thulmin wa ahluhaa
ghaafiluuna(31)”.
Oo macneheedu yahay:
“Arrintaasna waa inaan Rabbigaa halaagin magaalo thulmi dartiis, ayadoo ay dadkeedu
halmaansan yihiin (aan loo digin)(31)”.
Ciribta qofkayan dacwadu gaarin
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri: culummadu waxay isku khilaafeen waxa lagu magacaabayo
qofka dhinta isagoo ayan dacwadu gaarin, waxaana ugu fiican kuwa yiri waa naajii/‫ ناجي‬oo ah
waa badbaadayaa, Jannada ayuuna gelayaa, taasoo uu doortay Al Subkii/‫السبكي‬.
Qaarkoodna waxay yiraahdeen waa Calaa Al Fatrah/‫على الفترة‬, oo ah fatraduu ku sugan yahay.
Qaarkoodna waxay yiraahdeen waa muslim.
Al Ghazaalii/‫ الغزالي‬wuxuu yiri: “Waxaa xaquu yahay in la yiraahdo waa muslim”.
Culummo ayaa sidaas u tiri inay aabaha iyo hooyada dhalay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ay sidaas muslin ku yihiin, ayadoo ayan dacwadu gaarin.
Culummadaasna waxaa ka hadlay Sibdhu ibnu Al Jawziyyi/‫سبط إبن الجوزي‬, kuna sheegay
kitaabkiisa Miraa’atu Al Zamaani/‫ مرآة الزمان‬iyo kuwo kaleba.
Waxaa isaguna sidaas oo kale yiri Al Callaamah Abuu Cabdu Allaahi Muxammad bin Khalaf Al
Ubayyu/‫العالمة أبو عبد هللا محمد بن خلف األبي‬, kana mid ah culuummada ugu waaweyn ee
Maalikiyada, loona nisbeeyey magaalada Ubah/‫ أبه‬oo Tuunis/‫ تونس‬ku taalla, taasoo uu degay,
isagoo ku dhashay Dalka Maghrib, wuxuuna ku yiri kitaabkiisa uu Saxiix Muslim/‫ صحيح مسلم‬ku
sharxayo, lana yiraahdo Ikmaalu Al Akmaali/‫إكمال األكمال‬.
Sidoo kale Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬sheekhiisa Shaykhu Al Islaami Sharafu Al Diini Al
Manaawii‫ شيخ اإلسالم شرف الدين المناوي‬wuxuu xukumay oo uu daliiliyay oo haddii la weydiiyo uu
ku jawaabi jiray inay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis ay
muslimiin yihiin.
Waxaa la wariyay Axaadiith ku saabsan dadka zamanka fatrada noolaa, oo oraneysa in la istaajin
doono oo arrinkooda la hakinayo ilaa laga imtixaano maalinta qiyaame, oo markaas kooda
hoggaansama oo adeecid laga helo uu Jannada gelayo, kooda diidana uu Naarta gelayo.
Axaadiithtaasi way badan yihiin, inta saxiixa ahse waa saddex, oo kala ah:
Kow. Xadiithka Al Aswadu bin Sariic/‫ األسود بن سريع‬iyo Abuu Hurayrah/‫ أبوهريرة‬oo oranaya:
".‫"أربعة يحتاجون يوم القيامة رجل أصم ال يسمع شيأ ورجل أحمق ورجل هرم ورجل في فترة‬
“Arbacatun yaxtajjuuna yawma al qiyaamati: (1) Rajulun asammu laa yasmacu shay’an,
(2) Wa rajulun axmaqun, (3) Wa rajulun harimun, (4) wa rajulun fii fatratin.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Afari way xujjaytamyaan oo xujjo ayay la imaanayaa maalinta qiyaame:
(1) Nin dhega la’ oo aan shay’na maqlayn, iyo
(2) Nin doqon ah, iyo
(3) Nin da’ wayn, iyo
387
(4) Nin fatrada dhexdeeda ku dhintay.”
Waa Xadiith dheer, waxaana wariyay Axmad/‫ أحمد‬iyo Ibnu Raahaweyh/‫إبن راويه‬, Al
Bayhaqiina/‫ البيهقي‬wuxuu ka dhigay Xadiith saxiix/‫ صحيح‬ah.
Xadiithka waxaa ka mid ah:
‫ فيرسل إليهم أن أدخلوا‬،‫ فيأخذ مواثيقهم ليطيعنه‬،‫" وأما الذي مات في الفترة فيقول رب ما أتاني من رسول‬
".‫ ومن لم يدخلها سحب إليها‬،‫ فمن دخلها كانت عليه بردا وسالما‬.‫النار‬
“Wa ammaa allathii maata fii al fatrati fa yaquulu Rabbi maa ataanii Rasuulun, fa
ya’khuthu mawaathiiqahum: la yudhiicannahu, fa yursilu ilayhim an adkhuluu Al Naara.
Fa man dakhalahaa kaanat calayhi bardan wa salaaman, wa man lam yadkhulhaa suxiba
ilayhaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Midkase fatrada dhexdeeda dhintay wuxuu leeyahay:
Rabbiyow\‫رب‬, Rasuul\‫ رسول‬aad ii soo dirtay iima imaan. Markaasuu (Rabbi‫ )رب‬wuxuu ka
qaadayaa cahdi iyo xarig inay Isaga u hoggaansamayaan oo ay awaamirtiisa adheecayaan.
Markaasuu Rasuul u dirayaa ku amraya inay Naarta galaan. Kooda sidaas Naarta ku gala, oo
amarkaas u hoggaansama, Naartu waxay u noqoneysa qabow iyo nabad. Kooda aan gelinse, waa
loo jiidayaa oo Naarta xoog lagu gelinayaa.”
Labo. Xadiithka labaad waa Xadiithka Abuu Hurayrah/‫أبوهريرة‬, waana Xadiith mawquuf/‫موقوف‬
ah oo isaguu ku egyahay oo hadlaya, xukunkiisuse waa xukunka Xadiith marfuuca/‫ مرفوع‬ah oo
ilaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taxan oo kor ugu qaadan, ayadoo aan Xadiithkaas
oo kale uusan qofna ra’yigiisa ka oraneyn.
Waxaana Xadiithkaan wariyay Cabdu Al Rrazaaq/‫ عبد الرزاق‬iyo Ibnu Jariir/‫ إبن جرير‬iyo Ibnu Abii
Xaatim/‫ إبن أبي حاتم‬iyo Ibnu Al Munthar/‫إبن المنذر‬, oo kutubbadooda tafsiirka ku wariyay,
isnaadkiisuna waa saxiix (waa silsiladda ragga wariyay)
.
Saddex. Xadiithka saddexaad waa Xadiithka Thawbaan/‫( ثوبان‬waa tha saddex dhibcood kor ku
leh), oo waa marfuuc/‫مرفوع‬, waxaana wariyay Al Bazaar/‫البزار‬, Al Xaakim-na/‫ الحاكم‬wuxuu ku
wariyay kitaabkiisa Al Mustadrik/‫المستدرك‬, wuxuuna yiri waa saxiix/‫صحيح‬. Al Thahabina/‫الذهبي‬
saxiixnimada Xadiithkaan ayuu qiray.
Al Xaafith ibnu Xajar/‫الحافظ إبن حجر‬: kulli inta qoyskiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam zamanka (zamankaasna waa lix boqol oo sano oo Bicthada Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa calaa aalihi Wa Sallam ka horreysa siduu Xadiithka Salmaan Al
Faarisii/‫ سلمان الفارسي‬u wariyay) fatrada/‫ الفترة‬ku dhimatay waa badbaadayaan
Al Zarqaanii wuxuu yiri: saddexdaas Xadiithba waa saxiix/‫صحيح‬.
Al Xafith Ibnu Xajar/‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu ka wariyay culummada qaarkood inay ku taagan yihiin
waxaan annaguba ku taagannahay oo kale, wuxuuna yiri:
388
“Maladuna waxay tahay inuu qoyskiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kulligood inta fatrada
ku dhimatay inay hoggaansamaan marka la imtixaano, si uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ugu farxo”.
Al Xaafith Ibnu Kathiir/‫ الحافظ إبن كثير‬isaguna wuu xusay arrinkaan imtixaanka aabaha iyo
hooyada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo dadka fatrada ku dhintay oo idil,
wuxuuna yiri: “Waxaa ka mid ah kuwo hoggaansamaya iyo kuwo aan hoggaansamayn”, mase
uusan oran waxa uu u malaynayo inay labadiisa waalid, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hoggaansami doonaan.
Shakise kuma jiro inay maladu tahay inuu Ilaahay waafajin doono inay hoggaansamaan, Isagoo
aqbalaya Shafeecada Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siduu Imaamku kitaabkiisa Al
Fawaa’idu/‫ الفوائد‬uu sanad daciif ah uga wariyay Ibnu Cumar/‫إبن عمر‬, Allaha isaga iyo aabihiisba
raalli ka noqdee, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"إذا كانت يوم القيامة شفعت ألبي وأمي‬
“Ithaa kaana yawma Al qiyaamati shafactu li abii wa ummii”,
oo macneheedu yahay
“Markay Maalinta Qiyaame tahay, waxaan u shafeeco qaadayaa aabahay iyo hooyaday.”
Al Xaakimu/‫ الحاكم‬wuxuu wariyay, uuna saxiix/‫ صحيح‬ka dhigay Xadiithka uu Ibnu Mascuud ‫إبن‬
‫مسعود‬, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay in Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
weydiiyay aabihiis iyo hooyadiis, markaas uu yiri:
."‫ وإني لقائم يومئذ المقام المحمود‬،‫"ما سألتهم ربي فيعطيني فيهما‬
“Maa sa’altuhum Rabbii fa yucdhiinii fiihimaa, wa innii la qaa’imun yawma’ithin Al
Maqaama Al Maxmuuda”.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan weydiisto Rabbigay wuu i siinayaa oo labadooda ku saabsan, aniguna waxaan ku
suganahay maalintaas Al Maqaamu Al Maxmuudu\‫( المقام المحمود‬oo ah maqaanka ama barta la
mahdiyo)”, taasoo ah tilmaan inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rajeynayo inuu
uga shafeeco qaado maqaankaas, si uu Ilaahay imtixaankooda u waafajiyo.
Intaas waxaa wehliya Xadiithka uu Abuu Saciid/‫ أبو سعيد‬Kitaabkiisa Sharafu Al Nubuwwati ‫شرف‬
‫ النبوة‬ku wariyay iyo kuwo kaleba, kana wariyay Cimraan/‫عمران‬, kanoo Xadiithka marfuuc/‫مرفوع‬
ka dhigay, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor ugu qaaday oo la xiriiriyey:
".‫"سألت ربي أن ال يدخل النار أحدا من أهل بيتي فأعطاني‬
“Sa’altu Rabbii an laa yudkhila Al Nnaara axadan min Ahla Baytii fa acdhaanii”.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
389
“Waxaan weydiistay Rabbigay inuusan gelin Naarta axad qoyskeyga ka mid ah, taasna wuu i
siiyay.”
Ibnu Jariir Al Dhabarii/‫ إبن جرير الطبري‬wuxuu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri inay
Aayadda shanaad ee Suuratu Al Duxaa/‫ سورة الضحى‬oo oranaysa:
)5( ‫ضى‬
َ ‫يك َرب‬
َ ‫ف ُي ْع ِط‬
َ ‫َولَ َس ْو‬
َ ‫ُّك فَتَْر‬
“Wa la sawfa yucdhiika Rabbuka fa tardaa(5)”,
oo macneheedu yahay:
“Rabbigaana wuu ku siin doonaa, adiguna (waxaas lagu siiyay oo wanaagsan) raalli ayaad ku
noqon doontaa(5)”:
"‫"من رضا محمد صلى هللا عليه وسلم أن ال يدخل أحد من أهل بيته النار‬
“Raalli ahaanshaha Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah
inuusan axad qoyskiisa –Ehelu Baytkiisa\‫أهل بيته‬- ka mid ahi Naarta gelin.”
Axaadiithtaas oo idil way is xoojinayaan, maxaa yeelay Xadiithka daciifka ah haddii dariiqyo
badan lagu wariyo waxay taasi u kordhisaa xoog, sida ka sugnaatay culummada Xadiithka.
Axaadiithtaan oo uu ka mid yahay Xadiithka Ibnu Mascuud/‫ إبن مسعود‬oo uu Al Xaakim/‫الحاكم‬
wariyay saxiixna ka dhigay jiritaanka imtixaankana wariyay, iyo Xadiithka Abuu Hurayrah ‫أبو‬
‫ هريرة‬oo oranaya in qof fatrada ku dhintay uu badbaadayo imtixaan la’aan Jannadana uu gelayo,
is diidi mayaan, oo macnihiisu waxaa weeye, sida ugu qoran kutubbada Masaaliku Al
Xunafaa’i/‫ مسالك الحنفاء‬iyo Al Duruju Al Muniifah/‫ الدرج المنيف‬iyo Al Maqaamati Al
Sundisiyyah/‫المقامة السندسية‬, sawaabtana u dhow, inay badbaadidda qofkaasi shardi ku
xirantahay,oo ah imtixaankaas inuu gudbo, aanna la cathaabayn sida loo cathaabo bilawgaba iyo
imtixaan ka horba qofka Diinta diidah oo Rususha diida.
Marka, qofkaas fatrada ku dhintay waxaa Rasuul loogu soo dirayaa maalinta qiyaame, sida
dadka Rusul loogu soo diro adduunkaan oo kale.
Imtixaankaas la imtixaanayo maalinta qiyaame hadduu gudbi waayo wuxuu la mid noqonayaa
kuwa diiday Rusushii adduunka loogu soo diray. Waxaa inay sidaas tahayna xoojinaya oo
taageeraya inuu Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬dhammaadka Xadiithkiisa uu daliil ka dhigtay isla
Aayadda ay Imaamyadu daliilsadeen inaan la cathaabayn qofka Bicthada horteed dhintay.
Erayada uu ka kooban yahay Xadiithka Abuu Hurayrah /‫أبو هريرة‬, ayna wariyeen Cabdu Al
Rrazzaaq/‫ عبد الرزاق‬iyo Ibnu Jariir Al Dhabarii/‫ إبن جرير الطبري‬iyo Ibnu Abii Xaatim/‫ إبن أبي حاتم‬iyo
Ibnu Al Munthir/‫إبن المنذر‬, ayna ka wariyeen Macmar/‫ معمر‬oo ka wariyay Ibnu Dhaawus/‫إبن طاوس‬
oo ka wariyay aabihiis oo ka wariyay Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬oo yiri (waana dariiqa Cabdu Al
Rrazzaaq/‫)عبد الرزاق‬:
390
‫ ثم‬،‫"إذا كان يوم القيامة جمع هللا أهل الفترة والمعتوه واألصم واألبكم والشيوخ الذين لم يدركوا اإلسالم‬
‫ لو دخلوها لكانت‬،‫ "وأيم هللا‬:‫ "كيف ولم تأتنا رسل؟" قال‬:‫ فيقولون‬،‫أرسل إليهم رسال أن ادخلوا النار‬
".‫ ثم يرسل إليهم فيطيعه من كان يريد أن يطيعه‬،‫عليهم بردا وسالما‬
“Ithaa kaana yawma al qiyaamati jamaca Allaahu ahla al fatrati wa al mactuuha wa al asamma
wa al abkama wa al shuyuukha allathiina lam yudrikuu Al Islaama, thumma arsala ilayhim
Rusulan an adkhuluu Al Nnaara, fa yaquuluuna: “kayfa wa lam ta’tinaa Rusulun?” Qaala: wa
ayma Allaahu, law dakhaluuhaa la kaanat calayhim bardan wa salaaman. Thumma yarsilu
ilayhim fa yudhiicuhu man kaana yuriidu an yucdhiihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Markay maalinta qiyaame tahay, Ilaahay wuxuu kulminayaa dadka fatrada ku dhintay iyo
midka waalan, iyo midka aan wax maqlin oo dhegaha la’, iyo midka aan hadli karin, iyo odayada
aan Islaanka soo gaarin. Markaasuu Rusul u dirayaa ku amreysa inay Naarta galaan. Markaasey
waxay leeyihiin:
“Sideebey taasi ku ahaaneysaa, ayadoo aan Rusuli noo imaan?”
Wuxuu yiri:
Ilaahay ayaan ku dhaartaye, hadday geli lahaayeen waxay korkooda ku ahaan lahayd qabaw iyo
nabad, oo nabad ayay dhexdeeda ku heli lahaayeen. Markaasuu Ilaahay Rusul u dirayaa.
Markaasuu adeecayaa oo hogaansamayaa kii uu doonayey inuu siiyo (Jannada)”.
Kaddib wuxuu Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬yiri: “Haddaad doontaan (inaad hubsataan inay sidaas
aan idiin sheegay ay tahay) akhriya siduu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadda shan iyo tobnaad
ee Suuratu Al Israa’i/‫ سورة اإلسراء‬ku yiri:
ِّ
)15( ‫ث َر ُسواَل‬
َ ‫ين َحتَّى َن ْب َع‬
َ ِ‫َو َما ُكَّنا ُم َعذب‬
“Wa maa kunnaa mucath-thabiina xattaa nabcatha Rasuulan(15)”,
oo ah:
“Mana cathaabno intaan uga soo dirno Rasuul(15).”
Sidaas ayuu Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬wuxuu Aayadda ka gartay, Allaha raalli ka noqdee, wax ka
guda wayn Rususha adduunkaan la isugu soo diro, oo ah in maalinta qiyaamane dadkaas ayagana
Rusul loo diri doono. Sidaas ayay culummada Maalikiyada qaarkoodna ay u yiraahdeen.
Ibnu Kathiir/‫ إبن كثير‬wuxuu yiri: “Cabdu Allaahi (bin Mascuud)/)‫ عبد هللا (سن مسعود‬wuxuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"إنا أهل بيت إختار هللا لنا األخرة علي الدنيا‬
“innaa Ahlu Baytin ikhtaara Allaahu lanaa al aakhirata calaa al ddunyaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“annagoo waxaan nahay Ahlu Bayt\‫أهل بيت‬, qoys Ilaahay adduunkaan uga dooray aakhirada.”
391
Al Qurdhubii/‫ القرطبي‬wuxuu yiri: “Calii/‫ علي‬wuxuu yiri:
“laakiin annagu Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬waxaan niraahnaa inay Aayadda ugu rajo badan oo ku
jirta Kitaabka Ilaahy ay tahay warkiisa Tacaalaa
)5( ‫ضى‬
َ ‫يك َرب‬
َ ‫ف ُي ْع ِط‬
َ ‫َولَ َس ْو‬
َ ‫ُّك فَتَْر‬
Xadiithkuna wuxuu yiri:
“markay Aayaddaan soo degatay Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
wuxuu yiri:
".‫"إذا وهللا الأرضى وواحد من أمتي في النار‬
“ithan wa Allaahi laa ardaa wa waaxidun min aummatii fii al nnaari.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“hadaba wa Allaahi inaanan raalli noqonayn ayadoo uu axad ummaddeyda ka mid ihi naarta ku
jiro.”
Qaybta Labaad ee inay Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Aaminah\‫ آمنة‬Jannada ku jiraan: Dadka
Fatrada
Dadka fatradu waa saddex qaybood:
Kow. Qaybta koowaad ee dadka zamanka fatrada
Qaybtaani waxay ka kooban tahay qof basiiraddiisa, oo ah isha qalbiga ku taalla, cilmigiisa iyo
khibraddiisa Tawxiidka iyo Midnimada Ilaahay ku gaaray oo ku gartay. Raggaas Bicthada ka
horreeyey, waxaa ka mid ahaa kuwo markay garteen aan shareecana gelin, laakiin Ilaahay
keligiis caabuday, sugayna soo bixinta iyo soo diridda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Raggaasi asnaam iyo wax la mid ahba ma ayan caabudin.
Xusidda Waraqah/‫ورقة‬, Cubaydu Allaahi bin Jaxsh/‫عبيد هللا بن جحش‬, Cuthmaan bin Al
Xuwayrith/‫ عثمان بن الحويرث‬iyo Zayd bin Camr/‫زيد بن عمر‬
Ibnu Isxaaq/‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Maalin ayay Quraysh/‫ قريش‬waxau isugu yimaadeen maalin ciid u ahayd sanam asnaamtooda ka
mid ah oo ay wayneyn jireen, xoolana u gawrici jireen, ayna agtiisa ku nagaadi jireen, ayna ku
kor dhawaafi jireen, taasoo ciid ay leeyihiin ahayd oo sanadkiiba maalin ah. Markaasey afar nin
oo ka mid ihi gooni isula baxeen oo ay faqeen, ayna isku yiraahdeen:
“Runta isku sheega, arrinkaanna ha la qariyo oo yaan la sheegin”.
Sidaas inay ahato ayayna ku heshiiyeen. Raggaasi waxay ahaayeen Waraqah bin Nawfal bin
Asad/‫ ورقة بن نوفل بن أسد‬iyo Cubaydu Allaahi bin Jaxsh bin Ri’aab/‫عبيد هللا بن جحش بن رئاب‬
hooyadiisa dhashayna ay ahayd Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫أميمة بنت عبد المطلب‬, iyo
Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad‫ عثمان بن الحويرث بن أسد‬iyo Zayd bin Camr bin Nufayl ‫زيد بن‬
‫عمر بن نوفل‬.
Markaasey raggaasi waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen, oo ay isku yiraahdeen:
392
“Wa Allaahi\‫ وهللا‬waad ogsoontihiin inuusan tolkiin wax diin ah ku taagnayn, ayna ka leexdeen
Diinta aabohood Ibraahiim/‫إبراهيم‬. Maxaan ugu dhawaafeynnaa dhagax aan wax maqlayn,
waxna arkayn, aan dhib geysan karin, waxna tari karin? Ragow, naftiinna diin u raadsada, maxaa
yeelay wa Allaahi\‫ وهللا‬inaydnaan wax diin ku taagneyne.”
Markaasey arliga ku kala faafeen, ayagoo raadinaya Al xanafiyyah/‫الحنفية‬, Diinta
Ibraahiim/‫إبراهيم‬.” Qisooyinka raggaas ayaan in yar midba goonidiisa uga warbixinaynaa.
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo Waraqah bin Nawfal/‫ورقة بن نوفل‬
Waraqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy ‫ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزي بن‬
/‫قصي‬, wuxuu ahaa ina adeerka laxmiga ah ee Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu
Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy/‫خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزي بن قصي‬, , wuxuuna ahaa nin
caabudidda snaamta ka tegey oo krishtaan noqday Islaamka hortiis.
Wuxuuna ahaa nin dhigidda farta Carabiga yaqaanna. Markaasuu wuxuu farta Carabiga ku dhigi
jiray Kitaabka Injiilka/‫اإلنجيل‬, ugana dhigi jiray intuu Ilaahay doono inuu dhigo. Injiilku wuxuu
ku dhignaa afka Saryaaniga/‫السريانية‬, Tawraaduna afka Cibriga/‫العبري‬. Marka Waraqah/‫ورقة‬, siduu
Al Nawawii/‫ النووي‬u yiri iyo ibnu Xajarba/‫ إبن حجر‬wuxuu kutubbadaas ku dhigi jiray afafka
Carabiga iyo Cibrigaba.
Al Xaafith ibnu Xajar/‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu yiri:
“Waxaan (Waraqah/‫ )ورقة‬ugu sifeeyey inuu InjiiIka dhigi jiray, oo aan u oran waayey wuu
xifthin jiray, ayadoo xifthinta Tawraadda/‫ التوراة‬iyo Injiilkuba/‫ اإلنجيل‬ayan ahayn kuwo la sahlay,
sida loo sahlay xifthinta Quraanka, oo ummaddaan lagu gooni yeelay, taasoo u sabab ah in
sifadeeda (waa ummaddaane) ay ka mid tahay: Anaajiluhaa fii suduurihaa/‫( أناجيلهم في صدورهم‬oo
ah kutubbadooda laabohooda ayay ku sitaan, oo waa Quraanka ayay qalbigooda ku sitaan ayagoo
korka ka haya oo xifthiyay).” Waa intaas warka ibnu Xajar\‫إبن حجر‬.
Waraqah\‫ ورقة‬wuxuu ahaa oday da’weyn oo indho beelay. Markaasey Khadiijah/‫ خديجة‬waxay
ku tiri:
“Ina adeerow, bal dhegeyso wiilka walaalkaa dhalay” (oo aabaha saddexaad ee Waraqah/‫ورقة‬
waa Cabdu Al Cuzzaa/‫عبد العزى‬, waana walaalka la dhashay aabaha afaraad ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Cabdu Manaaf bin Qusayy/‫)عبد مناف بن قصي‬.
Markaasuu Waraqah/‫ ورقة‬wuxuu yiri:
“Wiilka walaalkeeyow, maxaad aragtay?”
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga warramay wuxuu arkay oo uu la
kulmay. Markaasuu Waraqah/‫ ورقة‬wuxuu yiri:
“Midkaani (waana Malag Jibriil) waa Al Naamuusu/‫( الناموس‬oo macneheedu yahay: Midka u
saaxiibka ah sirta oo ah Waxyiga), waana midka Muuse/‫ موسى‬kusso degay (wuxuuna
Ciise/‫ عيسى‬u oran waayey isagoo krishtaan ahaa rumayn uu Risaalada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasalalam, rumaynayo, ayadoo kusoo degidda Jibriil/‫ جبريل‬ee Muuse/‫ موسى‬ay
krishtaanka iyo yuhuuduba isku waafaqsan yihiin, yuhuudda intooda badanse ay Nabinnimada
Ciise/‫ عيسى‬inkirayaan). Maxaan u ahaan waayey nin dhallinyaro ah mudada Nabinnimada
393
(waana Nabinnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam). Maxaan u noolaan
waayey markay dadkaagu dalkaaga ka saarayaan.”
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫" أومخرجي هم؟‬
”Awa mukhrijiyya hum?”,
oo macneheedu yahay:
“oo miyay waddanka iga saarayaan?” (oo waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
waynaatay inay dadkiisu wadankiisa, oo ah Xaramka Ilaahay ee Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
/‫ المكرمة‬iyo beledka aabihiis Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ka saarayaan sabab la’aan.
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu yiri: “Ka tegidda waddanka nafta way ku adagtahay, taasoo ku
muuqaneysa naxdinta iyo cabsida taas laga cabsado, oo kama uusan nixin, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, markuu Waraqah/‫ ورقة‬u sheegay inay dhibi doonaoo, ayna beenin doonaan,
sida Xadiithka mursalka ah ee Cubayd bin Cumayraan/‫ عبيد بن عميران‬wariyay inuu Waraqah/‫ورقة‬
ku yid: “Waa lagu beeninayaa, waana lagu dhibaateynayaa, waana lagula dagaallamayaa”).
Markaasuu Waraqah/‫ ورقة‬wuxuu ku yiri: “Haa, oo waa lagu saarayaa. Horena ninna lama uusan
imaan waxaad la timid oo kale ee waa illaa midka la colaadiyey. Haddaan gaarana maalintay
Diintaadu faafeyso waxaan kuu hiillinayaa oo kuugu gargaarayaa hiillo iyo gargaar wayn oo
xoog leh.”
Waraqah/‫ ورقة‬kulankaas kaddib wax badanba ma noolayn ee wuu dhintay.
Waraqah bin Nawfal/‫ورقة بن نوفل‬
Waraqah bin Nawfal bin Asada bin Cabdu Al Cuzzaa/‫ ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزي بن قصي‬, waa
Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ‫خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزي‬
/‫بن قصي‬, ina adeerkeed. Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Hindu bintu Abii Kabiir bin Cabdi bin
Qusayy/‫هند بنت أبي كبير بن عبد بن قصي‬. Waraqah/‫ ورقة‬ciribi kama ayan harin, wuxuuna ka mid
yahay ragga aaminay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bicthada horteedba.
Al Tarmathii/‫ الترمذي‬wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
."‫"رأيته في المنام وعليه ثياب بيض ولو كان من أهل النارلم تكن عليه ثياب بيض‬
“Ra’aytuhu fii al manaami, wa calayhi thiyaabun biidun, wa law kaana min ahli al Nnaari
lam takun calayhi thiyaabun biidun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan arkay (Waraqah\‫ )ورقة‬anigoo hurda, oo waa riyo (riyada Anbiyaduna waa run), isagoo
labbisan dhar cadcad. Hadduu ehelu Naarta ka mid ahaan lahaana dhar cadcad ma uusan
xirnaadeen. “
394
Qass bin Saacidah Al Ayaadii/‫قس بن ساعدة األيادي‬
Raggaas waxaa ka mid ahaa Qass bin Saacidah Al Ayaadii /‫ قس بن ساعدة األيادي‬, ahaana ninka ugu
horreeyey ee casriga jaahiliyada Bicthada/‫ البعثة‬aaminay.
Qass\‫ قس‬wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo ul ku tiirsada markuu khudbad akhrinayo, iyo kan
ugu horreeyey oo yiraahda ammaa bacdu/‫( أما بعد‬oo ah intaas kaddibna,), iyo ninka ugu horreeyey
oo warqad ku dhigah min fulaan ilaa fulaan/‫( من فالن إالفالن‬waa meeshay soomaalidu markay
warqad qorayso ay ka tiraahdo ka socota hebel kuna socota hebel), wuxuuna noolaa saddex
boqol iyo sideetan sano, qaarna waxayba yiraahdeen wuxuu noolaa lix boqol oo sano.
Qass\‫ قس‬wuxuu ahaa nin aftahan ah oo xikmo miiran ah, caqli badan, fadaa’il badanna leh. Abuu
Nucaym/‫ أبونعيم‬wuxuu kitaabkiisa Dalaa’ilu Al Nubuwwati/‫ دالئل النبوة‬Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬uga
wariyay inuu Qass bin Saacidah/‫ قس بن ساعدة‬qawmkiisa ugu khudbeeyey Suuqa Cukaath ‫سوق‬
‫عكاظ‬, uuna khudbaddiisa ku yiri:
“Jihadaan ayaa xaqqa (runta) laga ogaan doonaa” wuxuuna gacantiisa ku fiiqay xagga
Makkah\‫مكة‬.
Markaasey waxay ku yiraahdeen:
“Xaqquna muxuu yahay?”
Wuxuu yiri:
“Waa nin ka mid ah dhasha Lu’ayy bin Ghaalib/‫ لؤي بن غالب‬oo idiinku yeeri doona kalimada
ikhlaaska/‫( اإلخالص‬oo ah in cibaadada Ilaahay lagu gooni yeelo, oo keligiis la caabudo) iyo nolol
lagu nagaado iyo nicmo aan gurayn. Marka hadduu idiinku idiin yeero ka yeela, aniguna haddaan
ogaan lahaa inaan ilaa soo bixintiisa noolaanayo waxaan ahaan lahaa kan ugu horreeya oo
raacidiisa u dheereeya.”
Al Azdii/‫ األزدي‬iyo kuwo kaleba waxay Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬ka wariyeen inuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فقال بعض قومه نحن‬."‫ كأني أنظر إليه علي جمل أورق تكلم بكالم له حالوة وال أحفظه‬،‫"رحم هللا قسا‬
"‫ "هاتوه‬:‫" فقال‬.‫نحفظه‬
“Raxima Allaahu Qassan! Ka annii anthuru ilayhi calaa jamalin awraq takallama bi
kalaamin lahu xalaawatun wa laa axfathuhu”, Fa qaala bacdu qawmihi: naxnu
naxfathuhu. Fa qaala: “Haatuuhu”.
Oo macnihiisu yahay:
“Allaha u naxariisto Qass\‫قس‬, waaba sida anigoo u jeeda isagoo saaran rati midabkiisu furan
yahay madawna ku dheehan yahay, uuna ku hadlayo hadal uu isagu leeyahay oo macaan,
hadalkaasna korka kama hayo.”
Markaasuu nin tolkiis ka mid ihi wuxuu yiri:
"annagaa korka ka haynna."
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
395
“Keena”.
Markaasey waxay xuseen oo ay sheegen khudbadiisii ay ka buuxeen xikmooyinka iyo waanadu”.
Ibnu Shaahiin/‫ إبن شاهين‬wuxuu ibnu Cabbas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ "أنا أحفظه‬:‫" فقال أبوبكر‬.‫ كأني أنظر إليه علي جمل أورق تكلم بكالم له حالوة وال أحفظه‬،‫"رحم هللا قسا‬
".‫ "أذكره‬:‫قال‬
“Raxima Allaahu Qassan! Ka annii anthuru ilayhi calaa jamalin awraq takallama bi
kalaamin lahu xalaawatun wa laa axfathuhu”,
oo macneheedu yahay
“Allaha u naxariisto Qass\‫قس‬, waaba sida anigoo u jeeda isagoo saaran rati midabkiisu furan
yahay madawna ku jiro, uuna ku hadlayo hadal uu isagu leeyahay oo macaan, hadalkaasna korka
kama hayo.”
Markaasuu Abuu Bakar Al Siddiiq\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, yiri:
“Anigaa korka haya”.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫" أذكره‬
”Uth-kurhu”,
oo ah:
“sheeg”.
Markaasuu sheegay.
Wuxuu Cabdu Allaahi bin Axmad/‫ عبد هللا بن أحمد‬kitaabkiisa Ziyaadaatu Al Zuhdi/‫ زيادة الزهد‬ku
wariyay in markuu wafdiga Bakr bin Waa’il/‫ بكر بن وائل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u yimid uu ku yiri:
"‫"ما فعل قس بن ساعده األيادي؟‬
“Maa facala Qass bin Saacidah Al Ayaadii?”
oo macneheedu yahay:
“Ka warrama Qas bin Saacidah Al Ayaadii‫”? قس بن ساعده األيادي‬
Waxay yiraahdeen:
“Wuu dhintay Rasuulka Ilaahayow”.
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"كأني أنظر إليه في سوق عكاظ على جمل أحمر‬
“Ka annii anthuru ilayhi fii Suuqi Cukaath calaa jamalim axmar”,
396
oo macnihiisu yahay:
“Waaba sida anigoo u jeeda isagoo ku sugan Suuqa Cukaath \‫سوق عكاظ‬, oo rati guduudan saaran.”
Markaasuu Xadiithka oo dhan wariyay.
kitaabka Al Isaabah/‫ اإلصابة‬wuxuu ku yiri:
“Wuxuu Al Jaaxith/‫ الجاحظ‬kitaabkiisa Kitaabu Al Bayaanu/‫ كتاب البيان‬ku yiri: “Qass/‫ قس‬iyo tolkiis
waxay leeyihiin fadiilo, oo ah deeq ay dadka intiisa kale dheer yihiin, oo axad kale oo Carab ah
uusa lahayn, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu hadalkiisa
wariyay iyo inuu ratigiisa saarnaa isagoo Cukaath/‫ عكاظ‬ku sugan, iyo waanadiisa, uuna u bogay
quruxda hadalkiisa, uuna siduu Xaqqa u haleelay muujiyay. Taasna waa sharaf aan lagula tartami
karin, ayanna yididiilo gaarin.
Taasna waxay ka timid inuu Ilaahay Qass/‫ قس‬waafajiyay Tawxiidka iyo muujinta ikhlaaska, iyo
rumayntiisa Bacthiga. Intaas ka sokowna Qass/‫ قس‬wuxuu ahaa khadhiibka Carabta
hoggaamiyohooda ku ah”. Waa intaas warkiisu.
Zayd bin Camr bin Nawfal/‫زيد بن عمرو بن نوفل‬
Ragga Bicthada\‫ البعثة‬ka hor, sida Qass bin Saacidah Al Ayaadii/‫ قس بن ساعدة األيادي‬oo kale
Tawxiidka Ilaahay waafajiyay waxaa kaloo ka mid ah Zayd bin Camr bin Nawfal ‫زيد بن عمرو بن‬
/‫نوفل‬, aabaha dhalay Saciid bin Zayd/‫سعيد بن زيد‬, oo ka mid ah Tobanka Jannada loogu
Bishaareeyey, ahna Abuu Xafs Amiiru Al Mu’miniina Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أبو حفص أمير‬
/‫المؤمنين عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, adeerkiis.
Zayd/‫ زيد‬wuxuu ka mid ahaa ragga ka haray caabudidda asnaamta. Tawxiidkana ku dadaalay,
gaalnimana ka fogaaday, wuxuuna dhintay Bicthada/‫ البعثة‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, horteed.
Ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬iyo Al Faakihii/‫ الفاكهي‬waxay Caamir bin Rabiicah/‫عامر بن ربيعة‬, oo axdi la
lahaa reer Banii Cadiyyi bin Kacb/‫ بني عدي بن كعب‬oo ah qabiilka Quraysheed/‫ قريش‬ee Cumar Bin
Al Khadh-dhaab/‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri:
“Zayd bin Camr/‫ زيد بن عمر‬wuxuu igu yiri:
“Tolkay waan khilaafay oo waxaan raacay Diinta Ibraahiim /‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil/‫ إسماعيل‬iyo
waxay caabudi jireen, waxayna labadoodaasi usoo tukan jireen Qibladaan, aniguna waxaan
sugayaa Nabi dhasha Ismaaciil‫ إسماعيل‬ah oo la soo diri doono, umana jeedo inaan gaari doono,
waanna aaminay Nabigaas, waana rumaynayaa, waxaanna marag ka ahay inuu Nabi yahay.
Marka, hadday noloshaadu dheeraato Nabigaas salaan iga gaarsii.”
Caamir‫ عامر‬wuxuu yiri:
“Markaan warkiisa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ogeysiiyay, isaguna,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu salaamay isagoo salaantuu usoo diray uga jawaabaya,
Ilaahayna wuxuu uga baryay inuu u naxariisto, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
397
".‫"رأيته في الجنة يسحب ذيوله‬
“Ra’aytuhu fii Al Jannati yasxabu thuyuulan”,
oo ah:
“Waxaan ku arkay Jannada dhexdeeda isagoo dharka dheer oo uu labbisnanyahay dhulka ku
jiidaya”.
Al Zzubayru bin Bakkaar/‫ الزبير بن بكار‬wuxuu Curwah/‫ عروة‬ka wariyay inuu yiri:
“Waxaa na soo gaartay inuu Zayd/‫ زيد‬Shaam/‫ الشام‬ku sugnaa, oo ay markaas gaartay soo bixinta
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu soo gaddoomay oo uu Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo aaday. Isagoo dariiqa kusoo jira ayaa waxaa lagu dilay
arliga Al Balqaa’/‫( البلقاء‬Al Balqaa’\‫ البلقاء‬waa gobol Shaam\‫ الشام‬ka mid ah, waana gobolka ay ku
taallo caasimadda Boqortooyada Haashimiga ee Urdun ee Cammaan/‫عمان‬, siduu u wariyay
kitaabka Mucjamu Al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirati Al Nabawiyyah ‫معجم المعالم‬
/‫الجغرافية في السيرة النبوية‬, uuna dhigay Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu/‫عاتق بن غيث البالدي‬,
wuxuuna gobolkaas u tegey isagoo uu halkaas ku noolaa, siday leeyihiin, caalin kulmiyay
cilmiga nasaarada zamankiisa).
Ibnu Isaxaaqna/‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Markuu marayo bartamaha beledka qabiilka Carbeed ee Lakhm/‫( لخم‬oo ayaguna Shaam\‫الشام‬
degah), ayay dileen”.
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhintay shan sano ka hor intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, lasoo dirin. Al Bazaar/‫ البزار‬iyo Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬waxay Saciid bin
Zayd/‫سعيد بن زيد‬, oo ah wiilka Zayd/‫زيد‬, ka wariyeen inuu yiri:
“Aniga iyo Cumar (bin Al Khadh-dhaab, Allaha Raalli ka noqdee)/‫ عمر بن الخطاب‬ayaa
weydiinnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri:
".‫"غفر هللا له ورحمه فإنه مات على دين إبراهيم‬
“Ghafara Allaahu lahu wa raximahu fa innahu maata calaa Diini Ibraahiima”,
oo ah:
“Allaha dambigiisa dhaafo, una naxariisto, oo isagu wuxuu ku taagnaa kuna dhintay Diinta
Ibraahiim‫” إبراهيم‬.
Sidaas ayuuna Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii/‫ فتح الباري بشرح صحيح البخاري‬ayadoo
kooban uu u wariyay.
Sida Zayd/‫ زيد‬oo kale waxaa ah Caamir bin Al Tharab Al Cadwaanii/‫عامر بن الظرب العدواني‬, iyo
Qays bin Caasim Al Tamiimii/‫ قيس بن عاصم التميمي‬iyo Safwaan bin abii Umayyah Al
Kinaanii/‫ صفوان بن أبي أمية الكناني‬iyo Zuhayr bin Abii Salmaa/‫زهير بن أبي سلمى‬, kuwaanoo ka mid ah
koox uu xusay Al Shahrastaanii/‫الشهرستاني‬. Marka, inay sidaas oo kale noqdaan, waxaaba uga
xaq leh aabaha iyo hooyada dhalay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
398
Jannada ayay gelayaan inshaa’a Allaahu\‫هللا‬
‫إن شاء‬
Qaybtaan hore ee ehelu fatrada ee dadka Tawxiidka ku gaaray basiiraddooda iyo cilmigooda iyo
khibraddooda, Ilaahayna uu waafajiyay, waxaa ka mid ah kuwo shareeco kale raacay oo ah
shareecada Nabiyo ka horreeyey, sida Boqorkii hore ee Yaman ee Tubbac/‫ تبع‬ee qabiilka
Ximyar/‫ حمير‬iyo qawmkiisa, iyo dadkii degi jiray gobolka Najraan/‫ نجران‬ee Yaman/‫يمن‬, iyo
Waraqah bin Nawfal/‫ ورقة بن نوفل‬iyo adeerkiis Cuthmaan bin Al Xuwayrith/‫عثمان بن الحويرث‬, oo
kuwaan dambe ay raaceen Diintii Ciise/‫عيسى‬, intaan Shareecada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, lagu burin.
Qaybtaan koowaad, oo sida Qass/‫ قس‬iyo Zayd bin Camr/‫زيد بن عمرو‬, wuxuu mid walba oo
labadooda ka mid ihi, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri:
".‫"أنه يبعث أمة وحده‬
“Annahu yubcathu Ummatan waxdahu”,
oo macneheedu yahay:
“Isaga waxaa la soo saari doonaa Maalinta Qiyaame isagoo keligiis ummaad ah, oo ah ayadoo ay
ummad walba Nabigii loo diray ay daba socoto, midkaani Nabina ma daba socdo oo lama xiriiro,
isaagana keligiis ummadd ah, oo fagaaraha imaanaya, siday u imaan doonaan Nabiyo keligood
socda oo ayan cidina rumayn)”.
Al Dhaylaasii/‫ الطيلسي‬wuxuu Saciid bin Zayd/‫ سعيد بن زيد‬ka wariyay inuu Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
“Aabahay wuxuu ahaa sidaad aragtay iyo sida kusoo gaartay, ee dambi dhaafid Ilaahay ma u
weydiiyaa?” Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإنه يبعث يوم القيامة أمة وحده‬،‫"نعم‬
“Nacam, fa innahu yubcathu yawma al qiyaamati ummatan waxdahu”,
oo macneheedu yahay:
“Haa, oo isaga waxaa la soo saarayaa maalinta qiyaame isagoo keligiis ummad ah.”
Al Yacmarii/‫ اليعمري‬wuxuu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ إني أرجو أن يبعثه هللا أمة وحده‬.‫"رحم هللا قسا‬
“Raxima Allaahu Qassan. Inni arjuu an yabcathahu Allaahu ummatan waxdahu”,
oo ah:
“Allaha u naxariisto Qaas\‫قس‬, aniguna waxaan rajeynayaa inuu Ilaahay soo saaro isagoo keligiis
ummadd ah.”
399
Culummaduna waxay caddeeyeen inay rajo uu ku dhawaaqo Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬,
iyo rajo uu ku dhawaaqo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay dhacayso oo ay
ahaanayso.
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu kutabbidiisa Al Kabiiru/‫ الكبير‬iyo Al Awsadhu/‫ األوسط‬ku wariyay
Xadiith ay sanadka raggiisu yihiin kuwo lagu kalsoon yahay, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫" رحم هللا قسا‬
“Raxima Allaahu Qassan”,
oo ah:
“Allaha u naxariisto Qass\‫”قس‬.
Waxaa la yiri: “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma waxaad Ilaahay
naxariis u weydiineysaa Qass/‫ ”?قس‬Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫ إنه كان على دين إسماعيل وإبراهيم‬.‫"نعم‬
“Nacam. Innahu kaana calaa Diini Abii Ismaaciila wa Ibraahiima”,
oo ah:
“Haa, oo isagu wuxuu ku taagnaa Diinta aabahay Ismaaciil‫ إسماعيل‬iyo Ibraahiim‫إبراهيم‬.”
Al Bazaar/‫ البزار‬wuxuu Jaabir/‫ جابر‬ka wariyay inuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxaan ka waraysannay Zayd bin
Camr bin Nawfal/‫زيد بن عمرو بن نوفل‬, waxaanna niri:
“Rasuulka Ilaahayow! Isagu Qibladuu u jeesan jiray, wuxuuna oran jiray:
“Diintaydu waa Diinta Ibraahiim‫إبراهيم‬, Ilaahayna waa Ilaaha Ibraahiim‫”إبراهيم‬. Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
".‫ يحشر بيني وبين يدي عيسى إبن مريم‬،‫"ذالك أمة وحده‬
“Thaaka ummatun waxdahu, yuxsharo baynii wa bayna yadayya Ciisaa Ibnu Maryama”,
oo macneheedu yahay:
“Kaasi keligiis ayaa ummad ah, waxaana la soo saarayaa aniga iyo Ciise ina Maryama ‫عيسى ابن‬
\‫ مريم‬dhexdeenna.”
Cuthmaan bin Al Xuwayrith/‫ عثمان بن الحويرث‬iyo Tubbac/‫ تبع‬iyo qawmkiisa iyo dadkii
Najraan/‫ نجران‬degganaa xukunkoodu waa xukunka dadka ay Diintooda galeen, hadduusan
midkoodna Islaamka soo gaarin, kanoo Diinihii hore oo idil buriyay. Waraqaha bin
Nawfalna‫ورقة بن نوفل‬, sidaan ku arki doonno, Inshaa’Allaahu marka Nabiga, Sallaa Allaahu
400
Calayhi Wasallam, la soo diro, wuxuu ahaa qofka ugu horreeyey oo rumeeya, wuxuuna ahaa
saxaabi.
Qaybta labaad ee dadka zamanka fatrada: kuwa gaaloobay
Qaybta labaad ee ehelu fatrada waa kuwa shareeco jirta beddelay oo gaaloobay, Tawxiidkana ka
tegey, raacayna shareeco ay ayaga naftoodu dejiyeen, oo yiri: “kan waa xalaal, kanna waa
xaaraan”, sida Carabta intooda badan zamankii jaahiliyada, iyo sida Camr bin Luxayy bin
Qamcah bin Ilyaas bin Mudar/‫عمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس ين مضر‬.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad/‫عثمان بن الحويرث بن أسد‬
Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬wuxuu u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Asad ‫بني‬
/‫أسد‬, wuxuuna galay diinta krishtaanka.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬zamankiisa waxay Yaman\‫ يمن‬ahayd mustacmarad
ay amxaaradu gumeysato, ayna gumeysaneyse labo iyo toddobaatan sano.
Markaasuu ninka Yaman\‫ يمن‬u dhashay oo magaciisu yahay Sayf bin Thii Yazin/‫سيف بن ذي يزن‬
wuxuu u tegey Kisraa Anuu Shirwaan/‫كسرى أنوشروان‬, boqorka Furus/‫ فرس‬ee dalka Iiraan/‫إيران‬,
wuxuuna ka codsaday inuu siiyo ciidan uu amxaarada arligiisa uga xoreeyo, kaddibna ay
Yamani\‫ يمن‬Furus\‫ فرس‬Dawlada kusii biirtay noqoneyso oo u hoggaansan.
Markuu Sayf bin Thii Yazin/‫ سيف بن ذي يزن‬amxaarada arligiisa ka xoreeyey, ayuu boqorka iiraan
wuxuu u magacaabay boqorka Yaman\‫ يمن‬oo isaga u hoggaansan.
Sayf bin Thii Yazin/‫ سيف بن ذي يزن‬wuxuu ku jiray diinta majuuska oo dabka caabuda, siduu
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar/‫ عبد الحميد جودة السحار‬kitaabkiisa Muxamrnadun Rasuulu
Allaahi, Salla Allaahu Calayhi Wasallam‫محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم والذين معه‬, ugu wariyay.
Sidoo kalena boqorka iiraan waxay diintiisu ahayd majuuska dabka caabuda. Markuu arrinkaas
arkay ayuu Cuthmaan bin Al Xuwayrith/‫ عثمان بن الحويرث‬oo krishtaan ahaa ayuu wuxuu is tusay
inuu isaguna u tago boqorka Rooma, oo caasimadiisu ahayd Istanbuul, oo isaguna krishtaan
ahaa, uuna weydiisto inuu isaga u magacaabo boqorka Makkah Al Mukarramah \‫مكة المكرمة‬, uuna
sidaas dadka Makkah\‫ مكة‬intuu canshuur jizyo ah ka qaado uu sanadkiiba mar boqorka Rooma u
geeyo.
Qofku diintuu galo xukunkeeduu leeyahay
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Shiikhennu, Shaykhu Al Islaami/‫شيخ اإلسالم‬, oo aan ka wado Al Balqiini/‫البلقيني‬, wuxuu yiri:
“Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii/‫ الحافظ إبن حجر العسقالني‬wuxuu yiri:
“Kulli mid kasta oo ka diin yeesha diinta ehelu kitaabka wuxuu ku jiraa xukunkooda xagga
nikaaxa iyo guurka iyo xoolahay gawracaan, maxaa yeelay Hiraql/‫ هرقل‬iyo dadkiisu waa
roomaankee, umana ayan dhalan oo ka mid ma aha Banii Israa’iil\‫بني إسرائيل‬, bal waxay ka mid
yihiin kuwa diinta krishtaanka galay, kaddib marka Diinta Ciise/‫ عيسى‬la beddelay. Rasuulka
401
Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku magacaabay oo ugu yeeray warqaddaan
(waana warqadduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u dhigay Hiraql\‫هرقل‬
boqorka roomaanka sanadka toddobaad ee Hijriga): “‫يا أهل الكتاب‬/Yaa ahla al kitaabi” oo ah
“kuwa kitaabka la siiyow”, taasoo tusaysa inay ayaguna xukunkooda ku dhex jiraan.”
Cuthmaan bin Xuwayrith iyo boqorka Rooma/‫عثمان بن الحويرث‬
Al Ssaxxaar\‫ السحار‬wuxuu yiri:
"sidaas ayuu Cuthmaan/‫ عثمان‬wuxuu u tegey Istanbuul, uuna la kulmay boqorka Roomaanka oo
magaciisu yahay Justiiniyaanus kan labaad. Markuu u galay ayuu dhulka sujuud ula dhacay.
Markuu boqorku u oggolaaday inuu sujuudda kasoo kaco oo uu fariistana, wuxuu boqorka iyo
boqoradda uga warramay makaanka ay Makkah\‫ مكة‬ku leedahay Carab dhexdeeda, iyo inuu
Guriga, waa Kacbadee, ku yaalla uu yahay Qiblada Carabta oo idil, ha degganaadaan
Xijaaz/‫ الحجاز‬Al Xiirah/‫ الحيرة‬oo Ciraaq/‫ عراق‬ah, Shaam/‫ الشام‬iyo Yaman/‫ يمن‬iyo inta kaleba, iyo
sida ninka Makkah boqor ka noqda ay Carabta inteeda kale u hoggaansamayaan. Boqorku
intaasoo idil wuu ogsoonaa, wuxuuna weli la yaabanaa sida Abraha canjeex/‫أبره األشرم‬, boqorkii
maroodiga watay oo u kacay inuu Kacbada dumiyo loo jebiyay oo uusan gaarin wuxuu
doonayey.
Ciidanka Julius Gallus oo ku duulay Makkah\‫ مكة‬iyo Al Madiinah\‫ المدينة‬oo la wada
halaagay
Sidoo kale wuxuu boqorku xusuusnaa sida loo halaagay ciidankuu Qaysar \‫ قيصر‬Boqorka Roma u
dirtay inuu Xijaaz/‫ الحجاز‬usoo qabato, kunuuzteedana uu gacanta ku dhigo, uuna hoggaaminayey
jananka la oran jiray Julius Gallus, oo dhammaan lama degaarnka Jaziirada Carabta ku
halaagmay, oo noqday wax kulaylka qorraxda iyo harraad u dhinta iyo wax luma oo sidaas ku
dhinta.
Roomaanka krishtaanka ahi iyo culummadooduba waxay ku dadaali jireen inuu arliga u
dhexeeya boqortooyada Roomaanka oo krishtaanka ah iyo boqortooyada amxaarada oo
krishtaanaka ah, waana Jaziirada Carabtee, kusoo biiro dhankooda oo uu ayaga u
hoggaansanaado, ayna halkaas calankooda gorgorka leh iyo krishtadooda ku suraan. Sidaas ayuu
boqorku wuxuu rumaysan waayey in arligay dagaal ku heli waayeen uu Cuthmaan/‫ عثمان‬si nabad
ah iyo xarbi la’ uu ku siinayo, oo uu weliba jizyana ugu darayo!
Yididiillada Cuthmaan\‫ عثمان‬in Makkah Al Mukarram\‫ المكرمة‬boqor u noqdo
Sidaas ayuu boqorku talada Cuthmaan/‫ عثمان‬usoo dhoweeyey, isagoo aan farixiisa muujin,
wuxuuna Cuthmaan\‫ عثمان‬u dhigay warqad uu ugu magacaabayo Boqorka Xijaaz/‫الحجاز‬,
wuxuuna saaray shabbad dahab ah. Boqorku wuxuu Cuthmaan\‫ عثمان‬siiyay hadiyooyin qaali,
oo ay ka mid yihiin sarj/‫ سرج‬oo ah kooraha baqashiisa oo dahab lagu dheehay, iyo jookha ay
boqorradu labbistaan. Boqorraddaasna magaceedu wuxuu ahaa Safiyyah\‫صفية‬, waana ayada
dhistay kaniisadda weyn oo Istanbuul\‫ إستنبول‬ku tiillay oo la oranjiray Aaya Safiyyah\‫آي صوفية‬,
kaddibna Masjid\‫ مسجد‬loo rogay.
Sidaas ayuu Cuthmaa\‫ عثمان‬n Makkah\‫ مكة‬ugu soo noqday. Markuu Makkah‫ مكة‬yimid Xaramku
ayuu tegey oo uu ku dhawaafay, kaddibna wuxuu istaagay Maqaamka\‫ مقام إبراهيم‬agtiisa oo uu
402
yiri:
“Tolkeeyow! Tolkeeyow!”
Markaasey raggu agtiisa isugu yimaadeen si ay uga dhegeystaan wuxuu doonayo inuu u sheego.
Markaasuu wuxuu yiri:
“Tolkeeyow! Waad ogsoontihiin Qaysar\‫قيصر‬, boqorka roomaanka, maalkiinuna wuxuu yaalla
dalkiisa, waadna kasoo ganacsataan, isagaana aniga boqor idiinka kay dhigay.
Anigu waxaan ahay ina adeerkiin iyo nin adinka idinka mid ah, idinkamana qaadayo waxaan
ahayn jaraab qarath\‫ القرظ‬ah, iyo dhiil subag ah iyo hargo iyo saamo. Markaasaan u aruurinayaa,
kaddibna aan u dirayaa. Haddaad diidaanna waxaan ka baqayaa inuu Shaam idinka reebo oo uu
ganacsigeeda idiin diido oo aad sidaas waxaad ka heli jirteen aad weydaan.”
Al Qarath\‫ القرظ‬waa geed aad weyn oo dhudhun aad u wayn leh oo adag sida geedka jawzka oo
kale, oo waraaqo yaryar iyo miro leh, asalkiisuna uu Yaman \‫ يمن‬ka baxo. Mirihiisa iyo
caleemihiisa waa waxa ugu fiican oo hargaha lagu magdo.
Sidaasna waxaa u fasiray Maxmuud Muxammad Shaakir/‫محمود محمد شاكر‬, oo kitaabkaas
Jamharatu Nasabu Qurayshin wa akhbaarihaa/‫ جمهرة نسب قريش وأخبارها‬hubiyay oo sharxay.
Markaasuu raggu murugooday oo ay shimbir fuushay, inay Qaysar\‫ قيصر‬jizyo siiyaan.
Markaasey madaxda Quareysheed\‫ قريش‬Daaru Al Nadwah/‫ دار الندوة‬ku shireen, madaxdooduna ay
Kacbada agteeda iyo guryohoodaba ku shireen, kuna doodeen wuxuu Cuthmaan bin Al
Xuwayrith\‫ عثمان بن الحويرث‬u keenay. Markaasey reer Makkah\‫مكة‬, ayagoo u daneynaya
ganacsigooda waxay goosteen inay Cuthmaan\‫ عثمان‬boqor ahaan u caleemo saaraan.
Abuu Zamcah/‫أبو زمعة‬: Ma dadka Makkah\‫ مكة‬iyo Al Madiinah\‫ المدينة‬ayaa boqor
xukumayaa? Maya!
Ayagoo sidaas isku diyaarinaya ayaa waxaa Masjidka soo galay ninka la yiraahdo Abuu Zamcah
Al Aswad ibnu Al Mudhalib bin Asad/‫أبوزمعة األسود إبن المطلب بن أسد‬, oo ah ina adeerka laxmiga ah
ee Cuthmaan bin Al Xuwayrith\‫عثمان بن الحويرث‬.
Markaasuu Kacbada ag istaagay oo uu la dhawaaqay:
“Tolkeeyow! Tolkeeyow!”
Markay dadku xaggisa usoo wada degdegeen oo ay isugu yimaadeen. Markaasey waxay ka
arkeen wajigiisa caro indhihiisa isu soo dhoweeyey, xoog iyo go’aanna siiyay. Markaasuu
wuxuu yiri:
“Addoommada Ilaahayow! Ma tihaamah/‫ تهامة‬ayaa Boqor xukumayaa?”
Tihaamah/‫تهامة‬, siduu u sheegay Taqwiimu Al Buldaani/‫تقويم البلدان‬, waa qaybta koofureed ee
Xijaaz/‫الحجاز‬, ayna ku yaalliin Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Markaasey raggu hadalkiisaas dhaageen oo ay fahmeen wuxuu ka wado, oo ah inuusan
taariikhda oo idil ayan Tihaamah\‫ تهامة‬boqor yeelan oo u dulloobin, wuxuu Cuthmaan\‫ عثمان‬ula
yimidna ay tahay wuxuu isagu hindisay oo bidca ah, uuna ku doonayo inuu ayaga boqor u
403
noqdo.
Markaasey dadku is dhex yaaceen oo ay kacdoomeen, ayna u caroodeen karaamadooda iyo
xornimadooda. Markaasey ayagoo wada careysan waxay yiraahdeen:
“Waxaan ku dhaarannay Allaata iyo Al Cuzzaa/‫الالت والعزى‬
Tihaamah/‫ تهامة‬weligeed boqor ma ayan yeelan.”
run ayaad sheegtay, oo
Abuu Zamcah/‫أبو زمعة‬: Quraysh\‫ قريش‬boqor ma milkiyo oo xukumo
Markaasu Abuu Zamcah/‫ أبو زمعة‬qayliyey, qaylo Makkah\‫ مكة‬laga wada maqlay oo uu yiri:
“Inna Qurayshan laqaaxun laa tumlak/‫”إن قريشا لقاح التملك‬, oo macneheedu yahay: "Quraysh\‫قريش‬
waa laan dheer xor ah oo aan weligood boqorna xukumin oo u dulloobin, waqtiga jaahiliga ahna
aan wax laga qafaalan.”
Sidaas ayay yididiilada Cuthmaan bin Al Xuwayrith\‫ عثمان بن الحويرث‬oo ahayd inuu Makkah\‫مكة‬
boqor u noqday u noqotay waxaan waxba ka jirin iyo dhalanteed.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith\‫ عثمان بن الحويرث‬, ayuu Al Suhaylii/‫ السهيلي‬yiri:
“waxaa la oran jiray “Al Badhriiqu/‫ ”البطريق‬oo macneheedu yahay “wadaadka krishtaanka ah”,
ciribi kama ayan harin, wuxuuna ku dhintay Shaam\‫ الشام‬isagoo la sumeeyey, waxaan sumeeyey
boqorka Shaam\‫ الشام‬Camr bin Jafnah Al Ghassaanii/‫عمرو بن جفنة الغساني‬.”
Cuthymaan bin Al Xuwayrith\‫ عثمان بن الحويرث‬, wuxuu Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬ku wariyay
kitaabkiisa Rafcu Sha’ni Al Xabashah/‫رفع شأن الحبشة‬, bogga saddex boqol iyo saddex iyo
sideetan, wuxuu ka mid ahaa ragga Quraysheed\‫ قريش‬oo ay dhaleen hooyooyin madow ee
amxaaro ah, hooyadiisna waxaa la oran jiray Tadaamur/‫( تضامر‬waa daadka saadka ku xigah)
bintu Cumayr/‫عمير‬. Waxaa kaloo sidaas kuu wariyay kitaabkiisa Nasabu Quraysh/‫ نسب قريش‬ku
wariyay Al Zubayru bin Al Bakkaar‫الزبير بن بكار‬, bogga afar boqol iyo toddoba iyo labaatan, ee
mujalladka koowaad.
Tobanka nin oo Makkah Al Mukarramah\\‫ مكة المكرمة‬taladeeda hayay jaahiliyada
IsIaamka ka hor madaxtinnimada Makkah Al Mukarramah\\‫ مكة المكرمة‬, Allaha sharafteeda sii
kordhiyee qofka tagana sharfee, waxay ku jirtay gacanta toban nin oo tobanka qabiil ee ay
Qurayshta\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬ka koobantahay ka kala tirsan. Tobankaas nin waxay kala ahaayeen:
Kow. Al Cabbaas bin Cabdul Mudhalib/‫ العباس بن عبد المطلب‬oo reer Banii Haashim ‫بني‬
/‫ هاشم‬ah, oo aabihiis kaddib hayay xilka Al Siqaayata/‫السقاية‬, oo ah waraabinta xujayda biyaha
ceelka Zarnzam\‫ زمزم‬laga waraabiyo. Islaamka kaddibna isaga ayaa xilkaas hayay.
Laba. Abuu Sufyaan bin Xarb/‫أبوسفيان بن حرب‬, ee reer Banii Umayyata/‫بني أمية‬, oo hayey Al
Ciqaabu/‫العقاب‬, oo ahaa calanka Quraysh\‫قريش‬. Hadday Qurayshi\‫ قريش‬ninka hoggaaminaya
isku raaci weydo, Abuu Sufyaan\‫ أبوسفيان‬ayay soo hormarin jireen oo ay madax ka dhigan jireen.
Saddex. Al Xaarith bin Caamir/‫ الحارث بن عامر‬ee reer Banii Nawfal/‫بني نوفل‬, oo hayey Al
404
Rifaadata/‫الرفادة‬, oo ah maalka ay Quraysh\‫ قريش‬iska soo qaaraanto oo ay dadka xajka yimaada
cunno ugu samayn jireen, oo al rafdu macneheedu waa siinta iyo caawinidda. Quraysh\‫قريش‬
intay lacagtaas iska soo aruuriyaan ayay waxay ku gadi jireen geel iyo cunno iyo zabiib,
markaasey xujeyda siin jireen.
Afar. Cuthmaan bin Dhalxata/‫ عثمان بن طلحة‬ee reer Banii Cabdu Al Ddaar/‫عبد الدار‬, oo hayey
Al Sidaanatu/‫ السدانة‬iyo Al Xijaabatu/‫الحجابة‬.
Al Sidaanatu\‫ السدانة‬waxaa weeye u adeegidda Kacbada iyo furidda albaabkeeda iyo xiriddisa.
Sadana\‫ سدن‬macneheedu waxaa weeye “waa u adeegay” oo al saadinu\‫ السادن‬waa khaadimka ama
u adeegaha Kacbada.
Al Xijaabatu\‫ الحجابة‬waa asturidda oo ah isla hawsha al sidaanatu, oo ah u adeegidda Kacbada.
Qofka ah al saadinu markuu hawshaas qabanayo taladiisu isaga gacantiisa ayay ku jirtaa oo cid
kale oo hawshaas ku amarta kama tala qaato, ee isagaa hawshaas u madax bannaan.
Al Xaajibu-se\‫ الحجابة‬amar ayaa qof kale ku siiyaa inuu hawshaas qabto, oo isagu taladiisa uma
madax bannaana, oo taladu qof kale ayay gacantiisa ku jirtaa. Sidaas waxaa u fasiray Lisaanu al
Carab\‫لسان العرب‬, markuu macneynayo erayga sadana. Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu xilkaasna u dhiibay isla Cuthmaan bin Dhalxata‫عثمان بن طلحة‬. Qoyskaas ayaa
ilaa maanta haya.
Shan. Yaziid bin Zamcata bin Al Aswad/‫ يزيد بن زمعة بن األسود‬ee reer Banii Asad/‫بني أسد‬, oo
hayey Al Mashuuratu/‫المشورة‬, oo ah inayan Qurayshi\‫ قريش‬arrinna go’aansan jirin jeer ay isaga
la tashadaan. Marka hadday arrin usoo bandhigaan oo uu ku waafaqo, arrinkaas ayuu ku
hoggaamin jiray. Hadduuse arrinkaas diido, oo uu beddelkeeda arrin kale doorto, way ku
taageeri jireen oo ay la meei marin jireen.
Yaziid\‫ يزيد‬isagoo cidanka Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah ayuu
duullaankii Dhaa’if\‫ الطائف‬ku shahiiday.
Lix. Abuu Bakar Al Siddiiq/‫ أبو بكر الصديق‬ee reer Banii Taym/‫بني تيم‬, oo hayey Al
Ashnaaqu/‫األشناق‬, oo ah diyada iyo dhiigga la kala galo oo dilidda ka yar qiimayntooda.
Xukunkuu Abuu Bakar‫ أبو بكر‬rido Qurayshi\‫ قريش‬way rumayn jirtay oo ay ku raaci jirtay.
Hadduu qofkale diyo iyo dhiig Quraysheed\‫ قريش‬xukumana kama ayan yeeli jirin. Waana
Xadiithka kun iyo labo boqol iyo afar iyo sideetan ee Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬.
Toddoba. Khaalid bin Al Waliid/‫ خالد بن الوليد‬ee reer Banii Makhzuum/‫بني مخزوم‬, oo hayey Al
Qubbatu/‫ القبة‬iyo Al Acannatu/‫األعانة‬.
Al Qubbatu\‫ القبة‬waxay ahayd khaymad, ay u badan tahay in harag amaa saan ka sameysantahay
oo ay dhisi jireen, markay dagaal gelayaan, dhexdeedana ay kusoo aruurin jireen waxay
ciidankooda dagaalka u socda u diyaariyeen.
Al Acinnatu-na\‫ األعنة‬waa xilkiisa ahaa inuu madax ka ahaa fardaha marka xarbi lagu jiro.
Sideed. Cumar bin Al Khadhdhaab/‫ عمر بن الخطاب‬ee reer Banii Cadiyyi/‫بني عدي‬, oo hayey
Al Safaaratu/‫السفارة‬.
Al Safaaratu/‫ السفارة‬macneheedu waa Danjirennimo, oo wuxuu u kala socon jiray Quraysh\‫قريش‬
iyo qabiilka kale oo dagaal dhex maro, si dagaalka loo joojiyo. Haddii qabiil kale Quraysh \‫قريش‬
u faanana, xilkiisa ayay ka mid ahayd inuu u jawaabo, Qurayshna \‫ قريش‬jawaabtiisa raalli ayay ka
noqonjirtay.
405
Sagaal. Safwaan bin Umayyata/‫ صفوان بن أمية‬ee reer Banii Jumax/‫بني جمح‬, oo hayey Al
Azlaamu/‫أألزالم‬, oo ah fallaaraha qoriga ah, aanse birta iyo baalka toona lahayn, oo ay ku qori
tuuran jireen.
Toban. Al Xaarith bin Qays/‫ الحارث بن قيس‬ee reer Banii Sahm/‫بني سهم‬, oo u xilsaamaa Al
Xukuumatu/‫الحكومة‬, hayeyna maalka ay asnaamta ay caabudi jireen loo hadiyeeyo.
.
Waxaan khabarka tobankaas nin oo ay Dawladda Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ka
dhisnayd kasoo guurinnay kitaabka Buluughu Al Arab fii Macrifati Axwaali Al Carab ‫بلوغ األرب‬
/‫في معرفة أحوال العرب‬, uuna dhigay Al Sayyid Muxammad Muxammad Shukrii Al Aluusii ‫السيد محمد‬
‫محمد شكري األلوسي‬, mujalladka koowaad, bogga laba boqol iyo sagaal iyo afartan.
Ninka hadda dalka boqortooyada sucuudiga boqorka ka ah Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬
boqor uma aha isaguna ma sheegto oo wuxuu isu bixiyay “Khaadimu Al Xaramayni/‫”خادم الحرمين‬
oo macneheedu yahay
“khaadimka u adeega labada Xaram”.
Makkah\‫ مكة‬waxaa ku yaalla Guriga Ilaahay: Boqorka Runta ah. Marka yaa boqornimadeeda
kaloo sheegan kara? Kii sheegtana waa beenaale!
Furaha albaabka Kacbadana ma hayo boqorka sucuudigu ee wuxuu gacantiisa ku jiraa nin u
dhashay reer Quraysheed\‫ قريش‬ee Banii Cabdu Al Ddaari bin Qusayy bin Kilaab ‫عبد الدار بن قصي‬
/‫ بن كالب‬ahna dhasha ninkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam maalintu Makkah\‫ مكة‬furtay gacanta u geliyay.
Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬waxaa deggan Nabi Muxammad Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo uu Ilaahay boqor uga dhigay. Yaa kaloo
boqornimadeeda sheegan kara?!
Midka ugu horeeyey oo Diinta Ibraahiim\‫ إبراهيم‬beddelah wuxuu ahaa Camr bin Luxayy
bin Qamcah/‫عمرو بن لحي بن قمعة‬
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri, isagoo Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka warinaya:
“Midka ugu horeeyey oo Diinta Ibraahiim beddelah wuxuu ahaa Camr bin Luxayy bin
Qamcah/‫عمرو بن لحي بن قمعة‬, hooyadiisna uu Khindif/‫ خندف‬magaceedu ahaa, ahaana
hoggaamiyaha qabiilka Khuzaacah/‫”خزاعة‬.
Ibnu Isxaaq/‫ إين إسحاق‬wuxuu wariyay sababta uu ninkaasi Diinta Ibraahiim/‫ إبراهيم‬u beddelay,
wuxuuna yiri:
“Wuxuu tegey Shaam/‫الشام‬, ayadoo ay markaasay arligaas qabiilka Carbeed ee Al
Camaaliqah/‫ العمالقة‬la yiraahdo deggan yihiin, ayna asnaam caabudaan. Markaasuu hal sanam
hibo ahaan uga soo qaatay oo uu Makkah keenay, dhigayna Kacbada dhexdeeda, waana sanamka
Hubal/‫ هبل‬la yiraahdo.”
Muxammad bin Xabiib/‫ محمد بن حبيب‬wuxuu Al Kalbiyyi/‫ الكلبي‬ka wariyay inay sababtu ahayd
inuu Camr bin Luxayy‫ عمرو بن لحي‬lahaa Jinni isaga raacsan oo la yiraahdo Abuu Thumaamah ‫أبو‬
406
‫ثمامة‬. Markaasu habeen u yimid, kuna yiri: “Abaa Thumaamah/‫ أبا ثمامة‬warkiisa yeel oo u
jawaab”.
Camr/‫ عمرو‬wuxuu yiri:
“Labbayka min Tihaamata/‫”لبيك من تهامة‬, oo ah: “waa i kanaa anigoo Tihaamata\‫ تهامة‬gobolka la
yiraahdo ku sugan oo ku adeecaya, ee maxaan kuu qabtaa? Soona gal eed la’aan.”
Markaasuu wuxuu jinnigu ku yiri:
“Waxaad tagtaa xeebta Jiddah/‫جدة‬, halkaasoo aad ka heleysid ilaahyo diyaar ah ee qaado, hana ka
baqin, dadkana inay caabudaan ugu yeer oo ku amar, taasoo waajib ah.”
Markaasuu Camr\‫ عمرو‬Jiddah\‫ جدة‬aaday oo uu asnaamtii zamanka Nuux/‫ نوح‬la caabudi jiray
helay, oo uu Makkah\‫ مكة‬usoo qaaday, dadkana inay caabudaan uu ku amray.
Sidaas ayay caabudidda asnaamtu Carabta dhexdeeda ugu faaftay, siduu Ibnu Xajar/‫إبن حجر‬
Fatxu Al Baarii bi sharxi Saxiixi Al Bukhaarii/‫ فتح الباري بشرح ضحيح البخاري‬ku wariyay.
Al Suhaylii/‫ السهيلي‬wuxuu kitaabkiisa Al Rawdu/‫ الروض‬ku wariyay:
“Markay qabiilka Khuzaacah/‫ خزاعة‬ku adkaatay oo ay gacanta ku dhigtay Maamulka Kacbada
iyo Makkah, qabiilka xilalkaas hore u hayn jiray oo ahaa Jurham-na/‫ جرهم‬Makkah laga saaray,
ayuu Camr bin Luxayy/‫ عمرو بن لحي‬wuxuu noqday Rabbiga iyo hoggaamiyaha Carabta, oo wax
kasta oo uu hindiso waxay ka yeelan jireen sharci. Isaguna wuxuu ahaa nin hodan ah, dadkuuna
cunno siin jiray, xilliga Xajkana wuu u arratiri jiray. Hal Xaj ayuu wuxuu bireeyey toban kun oo
halaad oo geel ah, uuna hilbohooda dadka siiyay, toban kun oo qofna wuxuu ugu arra tiray hoos
gunti iyo go’, oo midkiiba wuxuu siiyay laba go’.”
Ibnu Isxaaq/‫ إين إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Camr bin Luxayy/‫ عمرو بن لحي‬ahaa kan ugu horreeyey
oo Xaramka sanam soo geliya, dadkana ku xambaaray inay caabudaan. Wuxuu yiri:
“Laga soo bilaabo cahdiga Ibraahiim/‫ إبراهيم‬waxay ahayd Labbayka Allaahumma Labbayka, laa
shariika Laka Labbayka/‫ الشريك لك لبيك‬،‫لبيك اللهم لبيك‬, ilaa laga soo gaaro waqtiga Camr bin
Luxayy/‫عمرو بن لحي‬.
Markaasaa Camr/‫ عمرو‬oo xajjinaya oo talbiyada ku dhawaaqaya ayaa shaydhaan/‫ الشيطان‬isaga
soo dhigay oday isaguna xajjinaya oo intuu ag socday isaguna talbiyada qaaday. Markaasuu
Camr/‫ عمرو‬talbiyadiisa saxda ahayd qaaday oo uu yiri:
"Labbayka Allaahumma Labbayka, Labbayka laa shariika Laka Labbayka ‫ الشريك لك‬،‫لبيك اللهم لبيك‬
‫( لبيك‬oo ah: “Ilaahayow waa i kanaa, anigoo ugu yeeriddaada Xajka u hoggaansamay oo Xajka
imid, Adiguna shariik ma lihid Ilaahnimada kula wadaaga”, siday noo sheegtay Aayadda
toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji\‫)سورة الحج‬.
Markaasuu odaygii wuxuu yiri oo uu intaas ku daray: “illaa shariikan huwa laka/‫”إال شريكا هو لك‬
(oo ah: aan ka ahayn shariik aad adigu leedahay oo Ilaahnimada kula wadaaga). Markaasu Camr
hadalkaas inkiray oo diiday, wuxuuna yiri:
“Tanna waa maxay?”
Markaasuu shaydaankii wuxuu yiri:
“Waxaad tiraahdaa oo aad ku dartaa:
"Tamlikuhu wa maa malaka/‫”تملكه وماملك‬, oo macneheedu yahay: shariik ma lihid intaan ka ahayn
shariik aad Adigu leedahay, oo isaga iyo wuxuu leeyahayba oo uu milkiyo aad Adigu wada
milkidoo aad wada leedahay, taasoo aan dhibi ku jirin.”
407
Markaasuu Camr/‫ عمرو‬sidaas yiri. Markaasey taasi Carabi Diin ka dhigatay.
Camr\‫ عمرو‬waa ninka hindisay, Carabina ay ku raacday, Al Baxiirah/‫البحيرة‬, oo ah siduu Al
Bukhaarii/‫ البخاري‬Al Zuhriyyi/‫ الزهري‬uga wariyay geel caanohooda asnaamta loo gooyey, oo
uusan dadku maalin, iyo Al Saa’ibah/‫ السائبة‬oo ah geel ay asnaamtooda ku gooni yeeli jireen,
lagana xoreeyey in dhabarkooda la fuulo, ama la maalo ama lagu shaqaystaba, iyo Al
Wasiilata/‫ الوصيلة‬oo ah hasha markay toban nirgood oo dheddig ah dhasho, uusaan caaneheeda
cabbin ubadkeeda mooyee ilaa ay ka dhimato.
Taasna waa la nathri jiray, iyo Al Xaamu/‫ الحام‬oo ah ratiga markuu intaasoo halaad abaadiyo,
hawsha laga xoreyn jiray, aanna la raran jirin.
Intaasba wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, noogu wariyay Aayadda
boqol iyo saddex ee Suuratu Al Maa’idah/‫سورة المائدة‬, uuna ku yiri:
ِ ِ َّ
َِّ ِ ٍ
ٍ ِ
ٍِ
ٍ ‫ما َج َع َل اللَّهُ ِم ْن َب ِح‬
‫ب َوأَ ْكثَُرُه ْم ََل‬
َ ‫ون َعلَى الله اْل َكذ‬
َ ‫ين َكفَُروا َي ْفتَُر‬
َ ‫يرة َوََل َسائ َبة َوََل َوصيلَة َوََل َحام َولَك َّن الذ‬
َ
َ
ِ
)102( ‫ون‬
َ ُ‫َي ْعقل‬
“ Maa jacala Allaahu min baxiiratin wa laa saa’ibatin wa laa wasiilatin wa laa xaamin wa
laakin allathiina kafaruu yaftaruuna calaa Allaahi al kathiba wa aktharuhum laa
yacqiluuna(103)”,
oo macneheedu yahay:
“Ma yeelin Ilaahay xoolo caanohooda sanamyada loo bixiyo (Baxiirah/‫ )بحيرة‬iyo xoolo
sanamyada loo sii daayo (Saa’ibah/‫ )السائبة‬iyo xoolo dhaddig oo sanamyada lagu sadaqaysto
(Wasiilah/‫ )الوصيلة‬iyo rati sanamyada loo daayo (Xaam/‫)حام‬, laakiin kuwa gaaloobay waxay ku
been abuuraan Ilaahay been, badankoodna wax ma kasayaan(103)”.
Intaasoo idilba Carabi way ku raacday iyo caabudidda jinniga la caabudo iyo Malaa’igta la
caabudo, iyo dilidda wiilasha iyo gabdhahaba, waxayna sameysteen guryo kuwo u adeega leh
iyo kuwo maamulah, ayna uga dayanayaan Kacbada, sida Allaata/‫الالت‬, iyo Al Cuzzaa/‫ العزى‬iyo
Manaata/‫مناة‬.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenka la dheelmiyay wuxuu Camr bin
Luxayy/‫ عمرو بن لحي‬kusoo arkay isagoo Naarta dhexdeeda ku jira,oo intuu lugihiisa ku socon
lahaa wajigiisa ku socda oo ay lugihiisuna kor u taagan yihiin, wuxuuna, ahaa nin gaaban,
indhihiisuna bulug yihiin, lugo godan oo hogfo leh, timihiisuna ay midibka hurdiga ee liinta
dhanaan yihiin.
408
Qaybta saddexaad ee dadka zamanka fatrada
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
"qaybta saddexaad ee ehelu fatrada waa kuwa aan Ilaahay shariik u yeelin, Tawxiidna aan laga
helin, shareeco Nabina aan gelin, qofkuna uusan isagu shareeco hindisan iyo diin cusub, oo diin
oo idilba moogan, oo jaahiliyo ku noolaa ilaa uu ka dhinto. Kuwaan ayaa ehelu fatrada/‫أهل الفترة‬
runta ah ah, lamana cathaabayo, sida la isku raacay. Kuwaanna waxaa ka mid ah, siduu Al
Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wariyay:
“Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis, ayadoo ayan gaarin
dacwo Ilaahay loogu yeerayo iyo ayagoo aad uga dambeeyey Anbiyadii hore, zamankooduna
aad uga dambeeyey, kuna noolaa zaman ay aqoon darradu dabooshay arligooda xag Bari iyo xag
Galbeedba, lana waayey dad shareecooyinka yaqaanna oo dadka siday ahaayeen usoo gaarsiiya,
intaan ka ahayn ehelu kitaabka, oo culummada yuhuudda arliga ku faafsanaa, sida Shaam/‫الشام‬
oo kale. Aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meel kale uma ayan safrin, oo
aan Al Madiinah/‫ المدينة‬ahayn, mana ayan helin cumri dheer oo u suurtageliya inay runta ku
baaraan.”
Qaybta saddexaad ee inay Cabdu Allaahi/‫ عبد هللا‬iyo Aaminah/‫ آمنة‬Jannada ku jiraan:
aabayaalka Anbiyadu waa wada Muslimiin
Al Imaamu Fakhru Al Diini Al Raazii/‫ اإلمام فخر الدين الرازي‬wuxuu kitaabkiisa tafsiirka Quraanka
Asraaru Al Tanziili/‫ أسرار التنزيل‬ku yiri wax caddeynaya inay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis ay ku taagnaayeen Xanafiyada/‫ الحنفية‬ah Diinta Nabi
Ibraahiim/‫إبراهيم‬, siday ugu taagnaayeen oo kale Zayd bin Camr bin Nawfal/‫ زيد بن عمرو بن نوفل‬iyo
kuwii la midka ahaa, taasoo ah dariiq saddexaad oo ay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Al Mudhdhalib/‫ عبد هللا بن عبد المطلب‬iyo Aaminah bintu Wahab/‫آمنة بنت وهب‬, Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo hooyadiis ay ku badbaadeen, wuxuuna yiri:
“Waxaa la sheegay inuusan Aazar/‫ آزر‬ahayn Nabi Ibraahiim/‫ إبراهيم‬aabihiis, balse uu ahaa
adeerkiis, waxayna xujjo uga dhigteen wajiyo ay ka mid yihiin inayan Anbiyada aabayaalkood
gaalo ahayn, sharfid uu Ilaahay ku sharfayo qiimaha sarreeya ee Nabinnimada.
Sidoo kalena hooyooyinkood ma ayan ahayn gaalo, siduu sugay kitaabka Al Fawaa’idu/‫الفوائد‬,
uuna u daliilsaday xujjooyin badan oo duuduub iyo tafaasiilba leh.”
Al Raazii/‫ الرازي‬wuxuu yiri:
“Waxaana inay sidaas tahay u daliil ah, oo uusan Aazar/‫ آزر‬Ibraahiim/‫ إبرهيم‬aabihiis ahayn,
wajiyo kala duwan, ayna ka mid yihiin hadalka Ilaahay oo ku xusan Aayadaha laba boqol iyo
sideed iyo toban iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa’/‫سورة الشعراء‬, oo ah:
ِ ِ ‫) وتََقلُّب َك ِفي الس‬518( ‫اك ِحين تَقُوم‬
َِّ
)519( ‫ين‬
َ َ
َ ‫َّاجد‬
ُ َ َ ‫الذي َي َر‬
“Allathii yaraaka xiina taquumu(218)Wa taqallubaka fii Al Ssaajidiina(219)”, oo
macnohoodu yahay: “Ee ah midka ku arka markaad kici(218)Iyo la gadgaddoonkaaga kuwa
tukada)21(”.
409
Waxaa la yiri inay Aayadahaas macnohoodu yahay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, nuurkiisu uu isaga gudbayay mid sujuudsan uuna uga gudbayay mid kaloo
isaguna sujuudsan, waa rag wada Muslin ah oo Ilaahay u tukanaya, laga bilaabo Aadan/‫ آدم‬ilaa
uu Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo baxay.
Al Raazii\‫ الرازي‬wuxuu yiri:
“Taas waxaa ku sugan daliil, oo Aayaduhu waxay daliil u yihiin inay dhammaan aabayaalka
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay Muslimiin ahaayeen.”
Intaas kaddibna Al Raazii/‫ الرازي‬wuxuu yiri:
“Waxaa daliil u ah inayan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabayaalkiis
gaalo ahayn hadalkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Abuu Nucaym/‫ أبونعيم‬Ibnu
Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay, inuu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri:
"‫"لم أزل أنقل من أصالب الطاهرين إلى أرحام الطاهرات‬
“Lam azal unqalu min aslaabi al dhaahiriina ilaa arxaami al dhaahiraati”,
oo macnohoodu yahay:
“Waxaan ahaa mid laga guuriyo dhabarrada rag daahiriin ah, loona gudbiyo ilmo galeenka
haween daahiraat ah”, Ilaahayna Tacaalaa wuxuuba Aayadda sideed iyo labaatan ee Suuratu
Tawbah/‫ سورة التوبة‬ku yiri:
‫ون َن َج ٌس‬
َ ‫إَِّن َما اْل ُم ْش ِرُك‬
“Innamaa al mushrikuuna najasun(28)”,
oo macneheedu yahay:
“Gaaladu waa najaas(28)”.
Qofkii, marka, yiraahda aabayaalkiis iyo hooyooyinkiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mid
gaal ah ayaa ku jiray, Xadiithkaan ayuu beeninayaa, isagana Xadiithkaan ayaa beeninaya. Sidaas
ayaa marka waxaa waajib ku noqoneysa inuusan midna aabayaalkiis iyo awooyayaalkiis, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uusan gaal ahayn.
Taas ayuuna raalli ku noqday Al Callaamah Al Muxaqqaq Al Sanuusii‫ العالمة المحقق السنوسي‬iyo
Al Tilimsaanii/‫التلمساني‬, oo sharxay kitaabka Al Shifaa’/‫ الشفاء‬ee Qaalli Ciyaad/‫القاضي عياض‬,
waxayna labadooduba yiraahdeen:
“Aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaalnimo ma ayan taaban, lagumana
sheegin, waxayna ahaayeen laba muslimiin ah, maxaa yeelay wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, isaga gudbay dhabarro kariim ah, una gudbay ilmo galeenno daahirro ah,
taasina ma ahaan karto iimaan Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬la rumeeyo mooyee, kuwa taariikhda
qora qaarkoodna waxay soo guuriyeen wax ay xishood darro ku dheehan tahay iyo edeb darro.”
Taasi waxay laazim ku tahay, oo dhammaan sidaas oo kale ah, aabayaalkiis oo idil, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, in kastoo ay labadaan caalin aabihiis iyo hooyadiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo keli ah ku koobeen.
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuu yiri:
410
“Waxaan u helay oraahdaas Al Raazii/‫ الرازي‬daliillo xoog leh oo u dhexeysa kuwa guud oo
caamka ah iyo kuwa goonida ah oo isaga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
khaaska \‫خاص‬u ah. Caamku\‫ عام‬wuxuu ka kooban yahay laba hordhac, oo kala ah:
(Kow) Waxaa Axaadiith saxiix ah ku sugnaatay in awoowe kasta ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uu ahaa ninka qarnigiisa ugu khayr badan, sida Xadiithka Al
Bukhaarii/‫البخاري‬, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"بعثت من خير قرون بني آدم قرنا حتى بعثت من القرن الذي كنت فيه‬
“Bucithtu min khayri quruuni banii Aadama, qarnan xattaa bicithtu min al qarni allathii
kuntu fiihi”,
oo macnihiisu yahay:
“Waxaa la iga soo saaray, oo la i dhalay, kuwa ugu khayr badan quruunta (ama faca) ubadka
Aadan, oo fac walba waxaa ii awoowe ahaa ninka facaas ugu khayr badan, ilaa la iga soo saaray
qarniga aan dhexdiisa ku dhashay oo aan ku ahaaday.”
Al Raazii/‫ الرازي‬wuxuu wariyay inay Ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬iyo Al Bazaar/‫ البزار‬iyo Al
Dhabraanii/‫ الطبراني‬iyo Abuu Nucaym/‫ أبو نعيم‬Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyeen inuu hadalka
Ilaahay oo ku xusan Aayadda laba boqol iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa’ ‫سورة‬
/‫ الشعراء‬ee ah:
ِ ِ ‫وتََقلُّب َك ِفي الس‬
)519( ‫ين‬
َ َ
َ ‫َّاجد‬
“Wa taqallubaka fii Al Saajidiina(219)” ka yiri inuu Ilaahay Nabigiisa Muxamad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku leeyahay:
".‫"من نبي إلى نبي ومن نبي إلى نبي حتى أخرجتك نبيا‬
“Min Nabiyyin ilaa Nabiyyin wa min Nabiyyin ilaa Nabiyyin xattaa akhrajtuka Nabiyyan”,
oo macneheedu yahay:
“Waxaan kaa raray min Nabi iyo dhabarka Nabi ilaa dhabarka Nabi kale, ilaa aan kaa soo saaray
adigoo Nabi ah.”
Sidaas ayuu Al Raazii/‫ الرازي‬u fasiray gadgaddoonka ay Aayaddu sheegeyso, gadgaddoon uu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku gadgaddoomay dhabarka Nabi, uuna
uga gudbay dhabarka Nabi kale, in kastoo ay u dhexeeyeen rag aan Nabiyyo ahayn.
Kitaabka Al Fawaa’idna/‫ الفوائد‬wuxuuba ku yiri:
“Kuwaas sujuudaya waa kuwo tukanaya oo mu’miniin ah oo aan marna dhasha Ibraahiim/‫إبراهيم‬
ka maran, oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowayaalkiis Nabiyo
badan kuma jiraan, bal intaan ahayn Aadan/‫آدم‬, Nuux/‫نوح‬, Ibraahiim/‫ إبراهيم‬iyo
Ismaaciil/‫ إسماعيل‬Nabiyo ma ayan ahayn.
Culummada qaarkoodna waxay ku daraan Idriis/‫إدريس‬.
411
Sidoo kale Carabtu waxay adeerka tiraahdaa aabe, sida Quraankaba ku sugnaatay, Aayadda
boqol iyo saddex iyo soddon ee Suuratu Al Baqarah/‫سورة البقرة‬:
ِ ِ ِ
ِ
ِ ‫يه ما تَعب ُد‬
ِِِ
ِ
‫يم‬
َ ُ ْ َ ‫ل َبن‬
َ ‫ون م ْن َب ْعدي قَالُوا َن ْعُب ُد إلَهَ َك َوِالَهَ آ ََبائ َك إ ْب َراه‬
)122(
‫ال‬
َ َ‫ت إِ ْذ ق‬
ُ ‫وب اْل َم ْو‬
َ ُ‫ض َر َي ْعق‬
َ ‫اء ِإ ْذ َح‬
َ ‫أ َْم ُك ْنتُ ْم ُشهَ َد‬
ِ
ِ
ِ ‫وِاسم‬
‫ون‬
َ ‫اع‬
َ ‫يل َوِا ْس َح‬
َ ‫اق إِلَهاا َواح ادا َوَن ْح ُن لَهُ ُم ْسل ُم‬
َْ َ
“Qaaluu nacbudu Ilaahaka wa Ilaaha Aabaa’ika Ibraahima wa Ismaaciila wa
Isxaaqa(133)”,
oo macneheedu yahay:
“Waxaan caabudeynnaa Ilaahaaga iyo Ilaaha Aaabayaalkaa Ibraahim‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil‫إسماعيل‬
iyo Isxaaq(133)”, ninka warkaas lehna waa Nabi Yacquub/‫ يعقوب‬oo ahaa ina Nabi
Isxaaq/‫إسحاق‬, oo Ismaaciilka/‫ إسماعيل‬uu aabihiis ku leeyahay aabahaa aabihiis ma ehee waa
adeerkiis aabihiis Isxaaq/‫ إسحاق‬la dhashay.
(Labo) Waxaa sugnaaday inuusa arligu ka marnaan, marna, toddoba nin oo muslin ah ama in ka
badan, kuwaasoo uu Ilaahay dadka arliga deggan oo adduunkaan ku nool uu ku difaaco oo uu ku
ilaaliyo.
Cabdu Al Rrazaaq/‫ عبد الرزاق‬iyo Al Munthir/‫ المنذر‬waxay sanad saxiix ah Imaam Calii bin Abii
Dhaalib/‫اإلمام علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri:
“Waxaa arliga korkiisa ku sugnaa toddoba muslin ah ama in ka badan, oo haddayan sidaas ahayn
arligu waa halaagmi lahaa iyo inta dushiisa ku suganba.”
Waaba uu ayada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬Aayadda saddex iyo
soddonaad ee Suuratu Al Anfaali/‫ سورة األنفال‬ku yiri:
ِ
َّ ‫ت ِفي ِهم وما َك‬
ِّ
ِّ ِ َّ ‫وما َك‬
)22( ‫ون‬
َ ‫ان اللهُ ُم َعذ َبهُ ْم َو ُه ْم َي ْستَ ْغف ُر‬
َ َ َ ْ َ ‫ان اللهُ لُي َعذ َبهُ ْم َوأ َْن‬
َ ََ
“Wa maa kaana Allaahu mucath-thibahum wa hum yastaghfiruuna(33)”,
oo macneheedu yahay:
“Mana aha Mid cathaaba ayagoo dambi dhaaf waydiisanaya(33)”.
Imaam Axmad/‫ اإلمام أحمد‬wuxuu kitaabkiisa Al Zuhd wa al Khilaal/‫ الزهد والخالل‬karaamada
awliyada uga wariyay Xadiith sanadkiisu saxiix yahay, uuna Ibnu Cabbaas /‫ إبن عباس‬ku yiri:
“Arligu kama marnaan Nuux/‫ نوح‬dabadiis toddoba uu Ilaahay dadka arliga deggan uu ku
badbaadiyo.”
Haddaad labaddas hordhac isku lammaanisid, waxaa kuu soo baxaya hadalka uu Al Imaam Al
Raazii/‫ اإلمام الرازي‬yiri, oo hadduu mid kasta oo awoowayaalkisa ka mid ahi, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, uu toddobadaas la sheegay ka mid ahaa ee zamankiisa jiray, waa siday ahayd
inay ahaato, oo haddayan ka mid ahayn toddobadaas muslimiinta ah, awoowayaalkiis markaas
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mid walboo ka mid ahi ma ahaan karo midka qarnigiisa ugu
khayr badan, siduu Xadiithka Al Bukhaarii/‫ البخاري‬noo sheegay, Aayadana uuba Ilaahay,
412
Subxaanahu wa Tacaalaa‫هللا سبحانه وتعالى‬, ku yiri, waana Aayadda laba boqol iyo kow iyo
labaatan ee Suuratu Al Baqarah/‫سورة البقرة‬:
‫َولَ َع ْب ٌد ُم ْؤ ِم ٌن َخ ْيٌر ِم ْن ُم ْش ِرٍك‬
“Wa la cabdun mu’minun khayrun min mushrikin(221)”,
oo macneheedu yahay:
“Addoon mu’min ah ayaa ka khayr badan mid gaal ah oo xor ah(221)”.
Toddoba muslimiin ah ayaa Ilaahay adduunkaan ku badbaadiyaa macneheedu waxaa weeye inay
toddobadaasi Ilaahay caabudayaan, ayna dambidhaaf waydiisanayaa, taasoo adduunkaan iyo inta
saaranba ka ilaalineysa inuu Ilaahay halaago, siduu Cazza wa Jalla\‫ عزوجل‬noogu sheegay
Aayadda saddex iyo soddonaad ee Suuratu Al Anfaal/‫األنفال‬, uuna ku yiri:
ِ
َّ ‫وما َك‬
ِّ
)22( ‫ون‬
َ ‫ان اللهُ ُم َعذ َبهُ ْم َو ُه ْم َي ْستَ ْغف ُر‬
َ ََ
“Wa maa kaana Allaahu mucath-thibahum wa hum yastaghfiruuna(33)”,
oo macneheedu yahay:
“(Ilaahayna) mana aha Midka cathaabaya ayagoo dambi dhaafid waydiisanaya(33).”
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬iyo Aaminah\‫ آمنة‬waxay ka mid yihiin Ahlu Al Bayti\‫أهل البيت‬
Dr. Muxammad Cabdu Al Ghaffaar Khan\‫ د\محمد عبد الغفار خان‬oo sharxay kitaabka Al Muxibbu Al
Dhabarii\‫ المحب الطبري‬wuxuu bogga afar iyo tobnaad iyo laba boqol afar iyo toban ku yiri:
“ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu wariyay in markuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬barakah dhugto uu oran jiray:
".‫"أم أيمن أمي بعد أمي‬
“Ummu Ayman ummii bacda ummii”
oo macnihiisu yahay:
“Ummu Ayman‫ أم أيمن‬waa hooyaday hooyaday dabadeed (oo ayadaa soo korisay)”, iyo:
".‫"هذه بقية أهل بيتي‬
“haathihi baqiyyatu Ahla Baytii”
oo macnihiisu yahay:
“middaan ayaa ka hartay Ahlu Baytkayga\‫أهل بيتي‬.”
413
Wuxuu kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ugu yeeri jiraay:
".‫"يا أماه‬
“Yaa ummaah”
oo ah:
“hooyadeeyey.”
Taas macneheedu waxaa weeye inay aabihiis iyo hooyadiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam oo dhintay ay ayaguna Ahly Baytkiisa \‫ أهل بيته‬yihiin iyo inta kaloo dhimatay
oo reer Banuu Haashim\‫ بنوهاشم‬ahba. Wa Allaahu Aclamu\‫وهللا أعلم‬.
414
Qaybta Sagaalaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Khaaska u ah Nabigeenna Salla Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Waxa uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Nabigiisa iyo Xabiibkiisa
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gooni u siiyay waxaa ka mid ah:
Kow. Ibnu Sacad/‫ إبن سعد‬wuxuu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri:
".‫ كانوا على اإلسالم‬،‫دم من اآلباء‬, ‫"ما بين نوح إلى‬
“Inta Nuux\‫ نوح‬iyo Aadan\‫ آدم‬u dhexeysey oo aabayaalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ah waxay ku taagnaayeen Diinta Islaamka”.
Ibnu Xajar/‫ إبن حجر‬iyo Ibnu Abii Xaatim/‫ إبن أبي حاتم‬iyo Ibnu Al Munthir‫ إبن المنذر‬iyo Al
Bazaar/‫ البزار‬iyo Al Xakiim/‫ الحاكم‬oo saxiix ka dhigay waxay Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyeen
inuu yiri:
".‫ فاختلفوا فبعث هللا النبيين‬،‫"كان بين آدم ونوح عشرة قرون كلهم على شريعة من الحق‬
“Aadan\‫أدم‬, iyo Nuux\‫ نوح‬waxaa u dhexeysey toban qarni, kulligoodna Shareecada xaqqa ah
ayay ku taagnaayeen. Markaasey is khilaafeen. Markaasuu Ilaahay Nabiyo u soo diray, siduu
Ilaahay Quraanka ku yiri, waana Aayadda laba boqol iyo saddex iyo toban ee Suuratu Al
Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ ِ ‫الن‬
ِ
ِ
ِ ‫ُمةا و‬
ِّ ‫اب بِاْل َح‬
َّ ‫ق لَِي ْح ُك َم َب ْي َن‬
َّ ُ‫ث اللَّه‬
َّ ‫ان‬
‫يما‬
َ ‫اح َدةا فََب َع‬
َ َ‫ين َوأ َْن َز َل َم َعهُ ُم اْلكت‬
َ ‫ين َو ُم ْنذ ِر‬
َ ‫ِّين ُم َب ِّش ِر‬
َ ‫النبِي‬
َ ‫َك‬
ُ ‫الن‬
َ ‫اس ف‬
َ َّ ‫اس أ‬
َِّ َّ
َِّ َّ ِ ِ َ َ‫اختَل‬
ِ ‫اختَلَفُوا ِف‬
‫َمُنوا لِ َما‬
ْ ‫يه َو َما‬
ْ
ُ ‫ين أُوتُوهُ ِم ْن َب ْعِد َما َجا َءتْهُ ُم اْل َبي َِّن‬
َ ‫ات َب ْغايا َب ْي َنهُ ْم فَهَ َدى اللهُ الذ‬
َ ‫ف فيه إَِل الذ‬
َ ‫ين آ‬
ٍ ‫صر‬
ِ
ِ ‫اختَلَفُوا ِف‬
ِ ُ ‫ق بِِإ ْذنِ ِه واللَّهُ َي ْهِدي م ْن َي َش‬
ِّ ‫يه ِم َن اْل َح‬
".)322( ‫اط ُم ْستَِق ٍيم‬
ْ
َ ‫اء إلَى‬
َ
َ
“Kaana al naasu ummatan waaxidatan fa bacatha Allaahu Al Nabiyyiina(213)”,
oo macneheedu uu yahay:
“Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya, markaasuu Ilaahay usoo diray Nabiyo(213)”.
Ilaahayna wuxuu Quraanka ku yiri, Isagoo Nuux/‫ نوح‬nooga warramaya inuu yiri, kuna yiri
Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Nuux/‫سورة نوح‬:
ِ ِ َّ
ِ
ِ
ِ
ِّ ‫َر‬
")58( ‫ار‬
‫ين إِ ََّل تََب اا‬
َّ ‫اغ ِف ْر لِي َولِ َوالِ َد‬
ْ ‫ب‬
َ ‫ين َواْل ُم ْؤ ِم َنات َوََل تَِزِد الظالم‬
َ ‫ي َولِ َم ْن َد َخ َل َب ْيت َي ُم ْؤ ِمانا َولِْل ُم ْؤ ِمن‬
“Rabbi ighfir lii wa li waalidayya wa liman dakhala baytii mu’minan(28)”,
415
oo macneheedu yahay:
“Rabii u dambi dhaaf aniga iyo labada i dhashay iyo ciddii so gasha gurigeyga ayadoo mu’minad
ah(28)”.
Marka, Nuux/‫ نوح‬aabihiis iyo hooyadiisna waxay ahaayeen mu’miniin, maadaama uu dambi
dhaaf Ilaahay u weydiinayo, ayadoo aan dambi dhaafid loo weydiin karin cid aan muslim ahayn.
Quraankuna wuxuuba noo sheegay inuu wiilka Nuux‫ نوح‬oo ay Carabtu ku abtirsato oo ah
Saam/‫ سام‬uu Mu’min muslin ah ahaa, bal waxaaba saxaabada qaarkood laga wariyay inuu Nabi
ahaa.
Saam wiilkiisa Arfakhshad-na inuu mu’min ahaa wuxuu ku sugnaaday Xadiith laga wariyay
Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬, uuna wariyay Ibnu Cabdu Al Xakam/‫عبد الحكم‬, kuna wariyay kitaabkiisa
Taariikhda Masar\‫مصر‬, kaasoo ayba ku dhigantahay inuu awoowihiis Nuux/‫ نوح‬soo gaaray, uuna
ugu duceeyey inuu Ilaahay Nabinnimo iyo Boqornimaba uu ubadkiisa yeelo.
Ibnu Sacadna/‫ إبن سعد‬wuxuu xagga dariiqa Al Kalbiyyi/‫الكلبي‬, oo Kitaab Tafsiir ah lahaa,
magaciisuna uu ahaa Abuu Al Nadr Muxammad bin Al Saa’ib bin Bishr bin Camr Al Kalbiyyi ‫أبو‬
‫النضر محمد بن السائب بن بشر بن عمرو الكلبي‬, ahaan reer Kuufah/‫ كوفة‬ee dalka Ciraaq/‫عراق‬, laguna
sheegay inuu shiici ahaa, ka wariyay: “Inuu dadku Baabil/‫( بابل‬waa magaalada Ciraaq ku taalla)
ku sugnaa ayna Diinta Islaamka ku taagnaayeen laga bilaabo zamanka Nuux ilaa uu arligaas
boqor uga noqday Namruuth/‫نمروذ‬, kanoo dadka ugu yeeray caabudidda asnaamta.
Ibraahiim/‫ إبراهيم‬iyo Aazar-na/‫ آزر‬waxay joogeen zamanka Namruuth/‫نمروذ‬.”
Ibraahiim/‫ إبراهيم‬dhashiisana wuxuuba Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadaha lix iyo labaatan iyo
toddoba iyo labaatan iyo sideed iyo labaatan ee Suuratu Al Zukhruf/‫ سورة الزخرف‬ka yiri:
ِ ‫يه وقَو ِم ِه إَِّننِي بر‬
ِ ِ ِ ‫اه‬
ِ ِ َ َ‫وِا ْذ ق‬
ِ ‫ط َرنِي فَِإَّنهُ َس َي ْهِد‬
َ َ‫) إِ ََّل الَِّذي ف‬31( ‫ون‬
‫) َو َج َعلَهَا َكلِ َمةا‬33( ‫ين‬
َ ‫اء م َّما تَ ْعُب ُد‬
ٌ ََ
ْ َ ‫يم َلَب‬
ُ ‫ال إ ْب َر‬
َ
ِ
ِ
ِ
ِ
َّ
".)32( ‫ون‬
َ ‫َباق َيةا في َعقبِه لَ َعلهُ ْم َي ْرِج ُع‬
“Wa ith qaala Ibraahimu li abiihi wa qawmihi innanii baraa’un mimmaa
tacbuduuna(26)Illaa Allathii fadharanii fa Innahu sa yahdiini(27)Wa jacalahaa kalimatan
baaqiyatan fii caqibihi lacallahum yarjicuuna(28)”,
oo macnohhodu yahay:
“Xusa markuu ku yiri Ibraahim\‫ إبراهيم‬aabihiis iyo qawmkiisa: anigu waxaan bari ka ahay oo ka
dambi la’ahay oo aanan shaqo ku lahayn waxaad caabudeysaan(26)Waxaanse caabudayaa Midka
i abuuray, Isagaana i hanuuninaya(27)Wuxuuna ka yeelay Kalimada (Tawxiidka) tii baaqi ah oo
ku harta dhashiisa, si ay xaqqa ugu noqdaan(28).”
Cabdi bin Xumayd/‫ عبد بن حميد‬wuxuu Ibnu Cabbaas/‫ إبن عباس‬ka wariyay iyo Mujaahid/‫ مجاهد‬in
Aayadda erayga ku jira oo ah Kalimatan Baaqiyatan/‫ كلمة بقية‬ay tahay, oo uu eraygaasi yahay Laa
Ilaaha illaa Allaahu/‫الإله إال هللا‬, oo ku hartay ciribta iyo dhasha Ibraahiim/‫إبراهيم‬. Qataadah-na
416
/‫ قتادة‬wuxuu wariyay inay shahaadada La Ilaaha illaa Allaahu‫ الإله إال هللا‬iyo Tawxiidku ay ku
jiraan dhashiisa, waa Ibraahiime\‫إبراهيم‬, kuwo sidaas leh isaga dabadiis. Ilaahay Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ تعالى‬wuxuu Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim/‫ سورة إبراهيم‬noogu sheegay Alle
Bariga Ibraahiim\‫إبراهيم‬, wuxuuna yiri:
ِ
ِ ْ ‫َمانا و‬
ِ
ِ ِ َ َ‫وِا ْذ ق‬
ِّ ‫يم َر‬
".)25( ‫ام‬
ْ ‫ب‬
ْ ‫اجُن ْبني َوَبن َّي أ‬
ْ ‫َن َن ْعُب َد ْاَل‬
َ ‫َص َن‬
ُ ‫ال إ ْب َراه‬
َ ‫اج َع ْل َه َذا اْلَبلَ َد آ‬
َ
“Wa ith qaala Ibraahiimu Rabbi ijcal haathaa al Balada aaminan wa ajnubnii wa baniyya
an nacbuda al asnaama(35)”,
oo ah:
“Xusuusta markuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬yiri Rabbi\‫ رب‬ka yeel beledkaan (Makkah\‫ )مكة‬aamin, igana
dheeree aniga iyo dhashaydaba inaan asnaamta caabudno(35)”.
Ibnu Jariir/‫ إبن جرير‬wuxuu Mujaahid/‫ مجاهد‬ka wariyay inuu yiri:
“Markaasuu Ilaahay Ibraahiim/‫ إبراهيم‬Alle barigiisa ka yeelay uu dhashiisa u baryay, oo
sidaasuuna axad dhashiisa ka mid ahi sanam u caabudin ducadiisaas kaddib.”
Ibnu Abii Xaatim/‫ إبن أبي حاتم‬wuxuu Sufyaan bin Cuyaynah/‫ سفيان بن عيينة‬ka wariyay in la
waraystay: “
Axad dhasha Ismaaciil/‫ إسماعيل‬ah asnaamta ma caabuday?” Wuxuu yiri:
ِ
ِ ْ ‫”و‬Wa ajnubnii wa
“Maya, oo soo ma maqashid hadalkiisa )25( ‫ام‬
ْ ‫اج ُن ْبني َوَبن َّي أ‬
ْ ‫َن َن ْع ُب َد ْاَل‬
َ ‫َص َن‬
َ
baniyya an nacbuda al asnaama(35)”, oo ah “igana dheeree aniga iyo dhashaydaba inaan
asnaamta caabudno(35)”, siday noo sheegtay Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu
Ibraahiim\‫”سورة إبراهيم‬.
Waxaa la yiri:
“Sideebey ku suurtowdaa inayan dhasha Isxaaq/‫ إسحاق‬iyo inta kale oo dhasha Ibraahiim/‫إبراهيم‬
ah ayan Aayaddaan usoo hoos geleyn?”
Wuxuu yiri:
“Sababtu waxay tahay inuu Ibraahiim/‫ إبراهيم‬u duceeyey inayan dadka Beledku/‫( البلد‬waa
ِ ‫اجع ْل َه َذا اْلبَل َد آ‬
Makkee/‫ )مكة‬asnaamta caabudin markuu halkaas dejiyo, wuxuuna yiri: ‫َم انا‬
َ
َ ْ “ijcal
haathaa al Balada aaminan”, oo ah “ka yeel beledkaan (Makkah\‫ )مكة‬aamin”, umana uusan
duceen beledyada oo idil, wuxuuse ku gooni yeelay inta Makkah \‫ مكة‬deggan. Markaasuu khaas
kasii dhigay oo uu dadka Makkah\‫ مكة‬ku gooni yeelay ducadiisa wuxuuna Aayadda toddoba iyo
soddonaad ee Suuratu Ibraahiim/‫ سورة إبراهيم‬ku yiri:
ِِ
ِ
ِ
ِ
ٍ ِ ِ
ِ ُ ‫رب ََّنا إِِّني أَس َك ْن‬
ِ
ِ ‫الن‬
َّ ‫اج َع ْل أَ ْفئِ َدةا ِم َن‬
‫اس‬
َ ‫يموا الص‬
ْ َ‫ًَّلةَ ف‬
ْ
َ
ُ ‫ت م ْن ُذِّريَّتي ب َواد َغ ْي ِر ذي َزْرٍع ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق‬
ِ
ِ
َّ
َّ
".)27( ‫ون‬
َ ‫تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر‬
417
“Rabbanaa inni askantu min thurriyyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al
Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu Al Salaata(37)”,
oo ah:
“Rabbigeenow,, waxaan dejiyay caruurteyda qaarkood ban aan beer lahayn oo ah Baytkaaga
Xurmada leh agtiisa, Rabbigeenow waxaanna halkaas u dejiyay inay Salaadda oogaan(37)”.
Ibnu Al Munthir/‫ إبن المنذر‬wuxuu Ibnu Jariij/‫ جريج‬ka wariyay inuu Aayadda afartanaad ee Suuratu
Ibraahiim/‫ سورة إبراهيم‬ee oraneysa:
ِ ‫َّل ُدع‬
ِ
ِ َ ‫اجعْلنِي م ِقيم الص‬
ِّ ‫َر‬
.)40( ‫اء‬
َ ْ ‫ًَّلة َو ِم ْن ُذِّريَّتي َرب ََّنا َوتَقَب‬
َْ ‫ب‬
َ ُ
“Rabbi ijcalnii muqiima al ssalaati wa min thurriyyatii(40)”,
oo macneheedu yahay:
“Rabbi iga yeel mid ooga salaadda, ubadkeygana ka yeel kuwa salaadda ooga(40)”, ka yiri:
“Kama ayan marnaan marna dhasha Ibraahiim\‫ إبراهيم‬dad fatrada ku taagan oo Ilaahay caabuda”.
Axaadiithtaasna waa saxiix, waxayna ku suganyihiin Al Bukhaarii/‫ البخاري‬iyo ghayrkiisba.
Kuttubada culummadu waxay soo guuriyeen oo ay isku wada waafaqeen inay Carabtu, laga
bilaabo waqtiga Ibraahiim, ay Diintiisa ku taagnayd, uusan axadna ka gaaloobin ilaa uu ka
yimaado Camr bin Luxayy al Khuzaacii/‫عمرو بن لحي الخزاعي‬, ahna midka la yiraahdo Camr bin
Luxayy bin Qamcah bin Ilyaas bin Mudar/‫عمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس بن مضر‬, kaasoo ah kan ugu
horreeyey oo asnaam caabuday, kuna istaagay diin aan tan Ibraahiim ahayn, wuxuuna noolaa
zaman u dhow zamanka Kinaanah/‫كنانة‬, awoowaha saddex iyo tobnaad ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kuna beegan qiyaas saddex boqol oo sano ka hor dhalashada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Kaddibna wuxuu keenay daliillo ka marag kacaya inay Cadnaan /‫( عدنان‬oo ah awoowaha
labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) iyo Macadd bin Cadnaan
‫ معد بن عدنان‬oo ah awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
iyo Rabiicah/‫ ربيعة‬iyo Mudar/‫ مضر‬oo midkaan dambe uu yahay awoowaha toddoba iyo tobnaad
ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Khuzaymah/‫خزيمة‬, oo ah awoowaha
afar iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Asad/‫ أسد‬iyo
Ilyaas/‫إلياس‬, oo uu midkaan dambe yahay awoowaha lix iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Kacb/‫ كعب‬oo ah awoowaha toddobaad ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay dhammantood Diinta Ibraahiim ku joogeen.”
Kaddibna wuxuu yiri: “Gunaanadka intaas aan soo sheegnay waxaa weeye inay awoowayaalkiis,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga bilaabo Aadan/‫ آدم‬ilaa Kacb/‫ كعب‬iyo ubadka Murrah/‫مرة‬
la caddeeyey iimaankooda intaan Aazar/‫ آزر‬ka ahayn, kanoo la isku khilaafsan yahay, oo hadduu
Ibraahiim aabihiis ahaa waa far keligiis inta kale ka baxsan, hadduuse adeerkiis ahaa, sida labada
qawl midkood yahay Aayadda lagu fasiray, markaas wuu ka baxsan yahay silsiladda
awoowayaalkiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo markaas abtirsigu waa badbaaday oo ay
nabad gashay silsiladda Nasabkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
418
Waxaa haray afar awoowe, oo u dhexeeya Murrah/‫ مرة‬iyo Cabdu Al Mudh-dhalib/‫عبد المطلب‬,oo
aanan ku guuleysan helitaanka wax la wariyay oo iimaankooda ku saabsan iyo islaannimadooda.
Cabdu Al Mudh-dhalib-na/‫ عبد المطلب‬waa la isku khilaafsanyahay, siduu Al Suhaylii/‫ السهيلي‬Al
Mascuudii/‫ المسعودي‬uga wariyay, waxayna u egtahay inayan dacwadu gaarin.
Sidaas ayuuna ishaaray Al Xaafith Shamsu Al Diini Ibnu Naasir Al Dimishqiyyi ‫الحافظ شمس الدين‬
\‫إبن ناصر الدمشقي‬, oo yiri:
‫تالأل في جباه الساجدين‬/‫تنقل أحمد نورا عظيما‬.1
‫إلى أن جاء خير المرسلين‬/‫تنقل فيهم قرنا فقرنا‬.7
2. Tanaqqala Axmadun nuuran cathiiman
Tala’la’a fii jibaahi al saajidiina
2. Tanaqqala fiihim qarnan fa qarnan
Ilaa an jaa’a khabaru Al Mursaliina
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
2. Wuxuu isaga gudbay Axmad\‫ أحمد‬isagoo nuur wayn ah
Oo ka kaahaya wajiyada kuwa sujuudsan
2. Wuxuu isaga gudbay min qarni ilaa qarni (fac ilaa fac)
Ilaa uu ka yimaado khabarka Mursaliintu.
Sidaasna wuxuu ku wariyay kitaabkiisa Subulu Al Najaati/‫سبل النجاة‬. Kitaabka Al Fawaa’idu
‫ الفوائد‬wuxuu wariyay daliillo ka marag kacaya inuu Cabdu Al Mudh-dhalib/‫ عبد المطلب‬ku
taagnaa Diinta Xaniifiyyah/‫ الحنفية‬ah iyo Tawxiidka. Sidoo kalena waxaa wariyay kitaabka Al
Duruju Al Muniifah/‫الدرج المنيفة‬.
Xadiithka Ziyaarada Qabriga
Ibnu Jariir/‫ إبن جرير‬wuxuu ka wariyay Calqamah bin Marthad/‫علقمة بن مرثد‬, oo ka wariyay
Sulaymaan bin Buraydah/‫ سليمان بن بريدة‬oo aabihiis Buraydah/‫ بريدة‬ka wariyay oo yiri:
“Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah yimid (waana sanadka sideedaad
ee Hijrada markuu Ilaahay Tacaalaa\‫هللا تعالى‬, Makkah\‫ مكة‬u furay, oo uu reer Makkah\‫ مكة‬libta
ka helay) ayuu wuxuu tegey qabri raadkiisii haray suuraddiisiise ay tirtirantay, markaasuu agtiisa
fariistay oo uu muddo dherre hadlayey. Kaddibna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu
istaagay isagoo ay ilmadu ka hooreeyso. Markaasaan waxaan ku niri:
“Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, annagu waxaad suubisay waan u
jeednay”. Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫ فلم يأذن لي‬،‫ ثم إستأذنت في االستغفار لها‬.‫ فآذن لي‬،‫"إني إستأذنت ربي في زيارت قبر أمي‬
“Innii ista’thantu Rabbii fii ziyaarata qabri ummii, fa aathana lii. Thumma ista’thantu fii
al istighfaari lahaa, fa lam ya’than lii”.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
419
“Rabbigay ayaan oggolaanshihiisa waydiistay inaan qabriga hooyadey booqdo, markaasuu ii
oggolaaday. Kaddibna waxaan weydiistay inaan dambi dhaaf u weydiiyo, iimana uusan
oggolaan”.
Maalintaas maalin uu ka oohin badan yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lama arag.”
Waxaa kaloo Xadiithkaan sidaas u wariyay Ibnu Sacad ‫ إبن سعد‬iyo Ibnu Shaahiin/‫إبن شاهين‬, oo
isla Buraydah/‫ بريدة‬ka wariyay.
Al Zarqaanii/‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Al Sayuudhii/‫ السهيلي‬wuxuu kitaabkiisa Al Fawaa’idu/‫ الفوائد‬ku yiri:
“Inaan loo oggolaan, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu dambi dhaafid hooyadiis u
weydiiyo, ka dhalan mayso gaalnimo, waxaana u daliil ah inuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka reebanaa Islaamka bilowgiisa inuu ku tukado qofka dhintah oo dayn lagu
leeyahay, oo aan ka tegin bixinta dayntaas, inuu dambi dhaafid u weydiiyaba, qofkaasoo
muslimiintana ka mid ahaa”, wuxuuna cillad uga dhigay inay u dambi dhaafid weydiintiisu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isla markaasba la yeelayo, oo sidaas daraadeed qofkuu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, dambi dhaafid ugu duceeyo markuu ducadaas dhammeeyaba qofkuu
u duceeyey waxaa horayba laga geynayaa gurigiisa Jannada.
Qofka daynta lagu leeyahayna wuxuu gurigiisa Jannada uga xabbisan yahay, oo uusan geleyn,
jeer uu daynta iska gudo, sida Axaadiith kale ku soo aroortay. Marka, waxay ahaan kartaa inay
hooyadiis Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ayadoo mutaxannifah/‫ متحنفة‬oo Tawxiidka ku
taagnayd, ay hadana Barzakha‫ البرزخ‬Jannada uga xabbisan tahay umuuro kale oo aan gaalnimo
ahayn, keentayna inaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo oggolaanin inuu dambi
dhaafis u weydiiyo, ilaa uu Ilaahay uga oggolaaday markaas dabadeed.
Sidaas ayay dib usoo nooleynteeda dib loo dhigay ilaa ay Shareecada Islaamku kaamil ka
noqoto, ayna soo degatay Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Maa’idah/‫سورة المائدة‬, oo oranaysa:
ِ
ِ ِ
ِْ ‫يت لَ ُكم‬
‫اِل ْس ًَل َم ِد اينا‬
ُ ‫ت لَ ُك ْم ِد َين ُك ْم َوأَتْ َم ْم‬
ُ ‫اْل َي ْوَم أَ ْك َمْل‬
ُ ُ ‫ت َعلَ ْي ُك ْم ن ْع َمتي َوَرض‬
“Al Yawma akmaltu lakum Diinakum wa atmamtu calaykum nicmatii wa raddiitu lakumu
Al Islaama Diinan(3)”,
oo macneheedu yahay:
“Maantaan idiin kaamilay Diintiinna, waxaanna idiin taam taam yeelay korkiinna nicmadayda,
waxaanna idiinka raalli noqday Islaamka Diin ahaan(3)”.
Markaasaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis loo soo nooleeyey oo ay sidaas ku
rumeysay dhammaan wixii wiilkeeda, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu soo dejiyay.
Al Qaadii Ciyaad/‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
“Boohintiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu qabriga hooyadiis ku ooyay ma aha inuu
cathaab la cathaabayo u booyay, waxayse ahayd xumaan uu ka xun yahay inay hooyadiis seegtay
Nabinnimadiisa iyo rumayntiisa. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬boohintiisa ugu
naxariistay, oo uu usoo nooleeyey ayna aamintay”.
420
Dariiqa ugu saxsan ee Xadiithkaani waa warinta Al Xaakim/‫الحاكم‬, uuna yiri waa saxiix, uuna
Buraydah/‫ بريدة‬ka wariyay, oo yiri:
“Inuu nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, booqday qabriga hooyadiis isagoo
hoggaaminaya kun nin oo hub iyo koofi bireed aan wajigooda laga arkayn labbisan, lamana arag
maalin uu ka oohin badan yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam”.
421
Qaybta Tobananaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Gunaanad
Aabihiis iyo hooyadiis iyo Ahlu Baytkiisa oo idil Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam waa ehelu janno inshaa’a Allaahu
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu mjujalladka koowaad bogga saddex boqol sideed iyo toban, kaddib
markuu ka warramay axaadiithta ku saabsan aabihiis iyo hooyadiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
“ Shaykhu al islaami ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ شيخ اإلسالم إبن حجر العسقالني‬wuxuu uga jawaabay
oo uu gacantiisa ku dhigay uuna yiri:
“Xadiithkaan (ahna dib usoo nooleynta iyo aaminidda aabihiis iyo hooyadiis Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Caaa Aalihi Wa Sallam) wuxuu nasakhay oo buriyay axaadiithta warinaysa wax
isaga khilaafsan, waxayna sugeen oo nas ka dhigeen inuu Xadiithkaanu ka dambeeyey (zaman
ahaan) axaadiithta kale, oo ayan markaas khilaaf iyo iska hor imaad ka dhexeyn.”
Waa intaas warka ibnu Xajar‫ إبن حجر‬Allaha dambigiisa dhaafee.
Intaasi waxay ahayd in kooban oo ku saabsan arrinka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, aabihiis iyo hooyadiis, iyo Qoyskiisa Ahlu Al Bayti aanna in badan
kasoo qaadannay kitaabka Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii calaa Al Mawaahib Al
Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah li Al Callaamah Al Qasdhalaanii ‫شرح العالمة‬
‫الزرقاني على المواهب اللدنية بالمنح المحمدية للعالمة القسطالني‬.
Sidaas ayayna waxay kusoo gunaanadeen oo ay yiraahdeen:
"Waa wanaajiyay Al Xaafith Shamsu Al Diin Muxammad bin Naasiru Al Diini Cabdu Allaahi
bin Muxammad Al Dimishqiyyi\‫الحافظ شمس الدين محمد بن ناصر الدين عبد هللا بن محمد الدمشقي‬, oo
dhashay sanadka toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan, dhintayna bisha Rabiicul Aakhar
‫ ربيع اآلخر‬ee sanadka sideed bqool iyo laba iyo afartan ee Hijrada, markuu yiri, oo uu ku yiri
kitaabkiisa Mawridu Al Saadii bi Mawlidi Al Haadii \‫( مورد الصادي بمولد الهادي‬oo macneheedu
yahay ceelkuu usoo arooro midka u ooman Mawlidka, waa dhalashadee, kan wax hanuuniya,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), kaddib markuu wariyay Xadiithka ku saabsan soo nooleynta
hooyadiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna kasoo qaatay Al Khadhiibu Al Baghdaadii
‫الخطيب البغدادا‬, oo ah Al Xaafith Abuu Bakr Axmad bin Calii bin Thaabit ‫الحافظ أبو بكر أحمد بن علي بن‬
\‫ثابت‬, Imaamka wayn oo ah caalinka iyo Xaafithka Shaam\‫ الشام‬iyo Ciraaq\‫عراق‬, kutubbo badanna
dhigay, sidaa Taariikhda Baghdaad\‫تاريخ بغداد‬, dhashayna saddex boqol iyo labo iyo sagaashan,
dhintayna sanadka afar boqol iyo saddex iyo lixdan ee Hijrada. Caalinkaasu wuxuu Saxiixu Al
Bukhaarii\‫ صحيح البخاري‬shan maalmood uga bartay oo uu uga qaatay Kariimatu\‫كريمة‬, Ismaaciil
422
Al Xayrii-na\‫ إسماعيل الحيري‬wuxuu uga qaatay saddex fadhi siduu Al Thahaabii\‫ الذهبي‬u xusay.
Caalinkaasna waxaa lagu aasay meesha la yiraahdo Bishu Al Xaafii \‫بش الحافي‬, oo uu inay sidaas
ahaato uu biyaha Zamzam‫ زمزم‬u cabbay.
Al Xaafith Shamsu Al Diin\‫ الحافظ شمس الدين‬wuxuu kitaabkiisa ku yiri:
‫على فضل وكان به رؤوفا‬
‫إليمان به فضال لطيفا‬
‫وإن كان الحديث به ضعيفا‬
‫حبا هللا النبي مزيد فضل‬
‫فأحيا أمه وكذا أباه‬
‫فسلم فالقيم بذا قدير‬
1. Xabaa Allaahu Al Nabiyya maziida fadlin
Calaa fadlin wa kaana bihi Ru'uufaa
2. Fa axyaa ummahu wa kathaa abaahu
Li iimaanin bihi fadlan ladiifaa
3. Fa salama fa al Qadiimu bi thaa Qaadirun
Wa in kaana Al Xadiithu daciifan
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
1. Ilaahay wuxuu ka siiyay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kororsiimo
deeqdiisa/Lagu daray deeq wuuna u naxariistay
2. Oo hooyadiis ayuu usoo nooleeyey, sidoo kalena aabihiis/Si ay rumeeyaan, taasoo ah deeq
naxariis leh
3. Markaasuu badbaadiyay, oo Ilaahay oo Al Qadiimu ah taas waa awoodaa
In kastoo uu Xadiithku daciif yahay
423
Qaybta Kow iyo Tobanaad
Digniin
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Waxaa sidaas ku sugnaatay inay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis
Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد هللا بن عبد المطلب‬, iyo hooyadiis Aaaminah bintu
Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raalli ka noqdee, ay ehelu Janno yihiin.
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬waaba isaga haddeer la joogaba wiilkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Masjidkiisa Al Madiina Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, Xaramka Sharafta leh la
deggan.
Marka, aad ha la isaga ilaaliyo in Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis iyo
hooyadiis lagu tilmaamo wax naaqusnimo tilmaamaya, ayadoo ay taasi Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, dhibayso, maxaa yeelay qof kasta oo labada dhashay wax naaqusnimo ah
lagu tilmaamo waa dhibsanayaa marka sidaas lagula hadlo.
Ibnu Mundah\‫ إبن منده‬iyo ghayrkiisba waxay Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬ka wariyeen inuu yiri:
"Subaycah bintu Abii Lahab\‫ صعيبة بنت أبي لهب‬ayaa waxay u timid Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxayna tiri:
"Rasuulka Ilaahayow! Dadku wuxuu leeyahay: "Adigu waxaad tahay gabadha ay dhaleen
qoryaha Naarta lagu shidayo".
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, istaagay isagoo caraysan,
wuxuuna yiri:
".‫ ومن آذاني فقد آذا هللا‬،‫"ما بال أقوام يؤذونني في قرابتي‬
"Maa baalu aqwaamin yu'thuunanii fii qaraabatii, wa man aathaanii fa qad aathaa
Allaaha".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Maxay u dan leeyihiin dadyawga igu dhibaya qaraabadeyda. Qofka aniga i dhiba waxaa hubaal
ah inuu Ilaahay dhibay".
Waxaa noo warramay Cubaydu Allaahi bin Muusaa Al Cabsiyyi \‫ عبيد هللا بم موسى العبسي‬iyo
Muxammad bin Kathiir\‫ محمد بن كثير‬waxayna yiraahdeen: waxaa noo warramay Israa'iil\‫ إسرائيل‬oo
ka wariyay Cabdu Al Aclaa\‫ عبد األعلى‬inuu maqlay Saciid bin Jubayr\‫ سعيد بن جبير‬oo leh:
424
"ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu ii sheegay inuu nini duray mid ka mid ah aabayaalka Al
Cabbaasu\‫ العباس‬oo dhintay zamanka jaahiliyada. Markaasuu Al Cabbaasu \‫ العباس‬ninkaas
dharbaaxay.
Markaasaa waxaa shiray ninkaas tolkiis oo yiri:
"wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan u dharbaaxaynna siduu isaguba u dharbaaxay."
Markaasay hubkooda soo qaateen. Markaasaa warkaasu gaaray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo uu intuu markaas masjidka yimid uu minbarka fuulay, uuna Ilaahay ku
xamdiyay uuna ammaanay, kaddibna uu yiri:
" ‫"أيها الناس أي الناس تعلمون أكرم على هللا؟‬
"ayyuhaa al nnaasu ayyu al nnaasi taclamuuna akrama calaa Allaahi?"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"dadow, qofkee dadka ka mid ah oo aad og tihiin inuu Ilaahay korkiisa ugu karaamo badan
yahay?"
Waxay yiraahdeen:
"adiga."
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫التسبوا أمواتنا فتؤذوا أحياءنا‬.‫" فإن العباس مني وأنا منه‬
"fa inna Al Cabbaasa minnii wa anaa minhu. Laa tasubbu amwaatanaa fa tu'thuu
axyaa'anaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"hadaba Al Cabbaasu‫ العباس‬anigu iga mid yahay, aniguna isagaan ka mid ahay. Kuwa naga
dhintay ha caayina oo aad markaas kuweenna nool ku dhibtaane."
Markaasay raggu yimaadeen ayna yiraahdeen:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay ayaan caradaada ka magan
galnay. Noo dambi dhaafid weydii Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Waaba ayada uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
kontonaad ee Suurau Al Axzaab\‫ سورة األحزاب‬ku yiri:
‫هللا سبحانه‬
Aayadda toddoba iyo
ِ
َِّ
ُّ ‫ون اللَّهَ وَر ُسولَهُ لَ َع َنهُم اللَّهُ ِفي‬
)57( ‫َع َّد لَهُ ْم َع َذ اابا ُم ِهيانا‬
َ ‫الد ْن َيا َو ْاْلَخ َ ِرة َوأ‬
َ ‫ين ُي ْؤُذ‬
َ ‫إِ َّن الذ‬
ُ
َ
"Inna allathiina yu'thuuna Allaaha wa Rasuulahu lacanahumu Allaahu fii al ddunyaa wa
al aakhirati wa acadda lahum cathaaban muhiinan(57)",
425
oo macneheedu yahay:
"Kuwa dhiba Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, wuu lacnaday Ilaahay
adduun iyo aakhiraba, wuxuuna u diyaariyay cathaab wax dullaysa."
Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
Axzaabi\‫ سورة األحزاب‬ku yiri:
‫هللا‬
Aayadda saddex iyo kontonaad ee Suuratu Al
"‫َن تُ ْؤُذوا َر ُسو َل اللَّ ِه‬
ْ ‫ان لَ ُك ْم أ‬
َ ‫" َو َما َك‬
“Wa maa kaana lakum an t’uthuu Rasuula Allaahi”
oo macneheedu yahay:
“idiinmana bannaana inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam.
426
Qaybta Laba iyo Tobanaad
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Xuska Mawlidka, dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫العباس بن عبد المطلب‬, Allaha raalli ka noqdee, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiisa uu jeclaa, ayaa wuxuu ku riyooday
walaalkiisa Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد العزى بن عبد المطلب‬, kanoo ay
koofaartiisu tahay Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬looguna bixiyay quruxdiisa iyo kaaha wajigiisa ka
iftiimayey.
Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬macnihiisuna waxaa weeye holoca ama ololka aabihiis.
Al Cabbaas‫ العباس‬wuxuu walaalkiis ku riyooday markay hal sano kasoo wareegatay markuu
Abuu Lahab‫ أبو لهب‬dhintay, iyo Duullaanka Badarba\‫ غزوة بدر‬kaddib, siduu Al Suhaylii\‫السهيلي‬
iyo ghayrkiisba u wariyeen.
Markaasuu wuxuu walaalkiis ku yiri:
".‫"ما حالك‬
"Xaalkaaga aad ku sugan tahay balka warran?"
Abuu Lahab‫ أبو لهب‬wuxuu ugu jawaabay oo uu yiri:
‫ وأشار برأس أصبعه وأن ذلك‬،‫ وأمص من بين أصبعي هاتين ماء‬،‫"في النار؛ إال أنه خفف عني كل ليلة إثنين‬
".‫بإعتاقي لثويبة عندما بشرتني بوالدة النبي صلى هللا عليه وسلم وبأرضاعها له‬
"Naarta dhexdeeda ayaan ku jiraa, laakiin waxaa cathaabta la iga khafiifiyaa habeen walba oo
isniin ah, anigoo labadeydaan farood (waana suulka gacantiisa iyo farta ku xigta oo attaxyaadka
marka la akhrinayo oo la ashahaadanayo kor loo qaado oo Qiblada xaggeeda loo fiiqo. Labadaas
farood waa labada farood oo uu ku fiiqay Thuwaybah\‫ ثويبة‬markuu xoreynayey) dhexdooda ayaa
biyo la iiga soo burqiyaa, oo aan halkaas ka nuugaa.
Taasna waxay ku ahaatay, oo la ii siiyey, xoreynta aan Thuwaybata \‫ ثويبة‬xoreeyey markay iigu
bishaareysey dhalashada. Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo nuujinta ay isaga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, nuujisay".
Waxaa Xadiithkaan ama qaarkiis erayo kale ku wariyay Al Bukhaarii \‫ البخاري‬iyo Cabdu Al
Razzaaq\‫ عبد الرزاق‬iyo Al Ismaaciilii\‫ اإلسماعيلي‬iyo Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬iyo ibnu Al Jawzii ‫إبن‬
\‫ الجوزي‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo kuwo kaleba.
Waxaa riwaayaddaas ka cad in Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬biyahaas cathaabla looga khaffifinayo aan
meel kale iyo dibadda looga keenine, ee labadiisa farood dhexdooda looga soo burqiyay, oo
intuu nuugo markay uurkiisa galaan uu cathaabtuu ku jiro khafiifin uga helayo.
427
Biyahaasna Jannada looga keeni mayo, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa, gaalada ka
xaaraantimeeyey. Al Imaamu al xaafith abuu al Khayr Shamsu Al Diini ibnu Al Juzarii
Muxammad bin Muxammad bin Muxammad Al Dimishqiyyi ‫اإلمام الحافظ أبو الخير شمس الدين إبن‬
‫الجزري محمد بن محمد بن محمد الدمشقي‬, Akhrinta kala duwan ee Quraanka Imaamka ku ah,
Xadiithkana xafithay oo korkaba ka haya, dhigayna kutubbada badan oo ay ka mid yihiin kuwa
faafiyay Qiraa'aadka tobanka ah oo aan isagoo kale la dhigin, dhashayna, sanadka toddoba. boqol
iyo kow iyo kontonka Hijriga, dhintayna sideed boqol iyo sideed iyo soddonka, wuxuu yiri:
"Hadduu kaasi yahay kaafirka uu eedeyntiisa Quraan kasoo soo degay oo looga abaal guday
isagoo naarta dhexdeeda ku jira faraxa uu farxay habeenkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
dhashay, muxuu noqonayaa, hadaba, xaalka muslimka muwaxxidka ah oo ummaddiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah oo ku farxaya mawlidkiisa dhalashadiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, maalkiisana ku bixinaya si qalbi furan intay awooddiisu gaarto, jacaylka uu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u qabo daraadeed, oo uu sadaqooyin bixinayo?"
Allaha daystee al xaafith Shamsu Al Diini Muxammad bin Naasir al Shaamii ‫الحافظ شمس الدين محمد‬
‫ بن ناصر الشامي‬wuxuu ka yiri:
‫إذا كان هذا كافرا جاء ذمه\وتبت يداه في الجحيم مخلدا‬.1
‫أتى أنه في يوم اإلثنين دائما\يخفف عنه للسرور بأحمد‬.7
‫فما الظن بالعبد الذي كان عمره\بأحمد مسرورا ومات موحدا‬.3
.
1. Ithaa kaana haathaa kaafirun jaa'a thimmuhu
Wa tabbat yadaahu fii Al Jaxiimi mukhladaa
2. Ataa annahu fii yawmi al ithnayni daa'iman
Yukhaffafu canhu lil suruuri bi Axmadaa.
3. Fa maa thannu bi al cabdi allathii kaana cumuruhu
Bi Axmada masruuran wa maata muwaxxadaa.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Hadduu kani gaal yahay eedeyntiisu ay timid (Suuratu Tabbat‫)سورة تبت‬
Labadiisa gacnood ay ku khasaareen Jaxiimo oo ay ku waarayaan.
2. La sheegay in maalin isniin ah si joogto ah oo daa'im ah
Looga khafiifiyo farxiddiisa uu ku farxay Axmad\‫ أحمد‬dareedeed
3. Maxaad u maleyneysaa hadaba addoonka cimrigiisoo idil
Axmad‫ أحمد‬ku farax sanaa, dhintayna isagoo muwaxxad ah.
Nolosheydaan ku dhaartaye, midkaas muslinka ah oo Axmad\‫أحمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku faraxsan oo xusaya mawlidkiisa, dhintana isagoo muwaxxad ah oo Ilaahay keligiis
caabudaya, abaal marintiisa uu Ilaahayga Kariimka ahi siinayo waa inuu deeqdiisa qotada dheer
oo ballaaran uu ku geliyaa Jannooyinka nicmada leh, uuna ugu raaxecyo aragtida Wajigiisa
Cathiimka\‫ وجهه العظيم‬ah Subxaanahu wa Tacaalaa\‫سبحانه وتعالى‬. Waa intaas warkiisu.
428
Taariikhda Xuska Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Kaddib markay gudbeen saddexdii qarnii oo ugu horreysey Islaamka, uuna Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka marag kacay inay quruunta ugu khayr badan yihiin, waxay
muslimiintu bilaabeen ayna laazimeen u dabbaaldegidda iyo u xafladeynta bisha Mawlidka uu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashay, ahna bisha Rabiicu Al Awwal ‫ربيع‬
\‫األول‬, soomaaliduna ayba u bixisay bisha Mawlid.
Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬wuxuu yiri:
"Waa wax cusub oo suuban. Sidaas oo kalena waxaa yiri Ibnu Al Xaajji\‫إبن الحاج‬, kuna yiri
kitaabkiisa Al Madkhal\‫المدخل‬, oo yiri:
"Waxaa habboon in bishaan la kordhiyo camalka suuban, la badiyo bixinta sadaqada iyo falidda
khayraadka, iyo wixii waajib ahba in Ilaahay loogu dhowaado. Kaas weeyana camalka Mawlidka
oo ay habboon tahay in la samceyo." Intaas weeye hadalka Al Sayuudhii \‫السيوطي‬.
Ibnu Al Xaajji waa abuu Cabdu Allaahi Muxammad bin Muxammad Al Cabdarii ‫ أبو عبد‬،‫إبن الحاج‬
‫هللا محمد بم محمد العبدري‬, al faarisii, ahna mid ka mid ah culummada zuhdiga ku caan baxay iyo
suubanaant

Similar documents

Nuurka Quluubta

Nuurka Quluubta \‫ محمد رضا‬iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam \‫سيرة إبن هشام‬, A...

More information

Siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa

Siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa 384. Warqadduu Musaylimah Rasuulka Ilaahay SCW usoo diray 385. Warqadduu Rasuulka Ilaahay SCW u diray Musaylimah 386. Qoraalka saddex iyo labaatanaad 387. Qoraalka Nabiga SCW ee gadidda addoonka 38...

More information

Qisooyinka Anbiyada

Qisooyinka Anbiyada Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahay faqiirka u ah Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Winchester, Virginia, U.S.A. Kowda bisha Shacbaan\‫ شعبان‬sanadka kun afar boqol sidee...

More information

Cuqbah bin Caamir Al Juhanii عقبة بن عامر الجهني رضي هللا عنه

Cuqbah bin Caamir Al Juhanii عقبة بن عامر الجهني رضي هللا عنه degay, kuna dhintay sanadka sideed iyo konton ee hijrada. Cirradana wuu madoobeyn jiray. Asxaabta waxaa isaga axaadiithka ka wariyay ibnu Cabbaas \‫إبن عباس‬, iyo Abuu Cabbaas\‫أبوعباس‬, iyo Abuu A...

More information

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA - Dariiqa

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA - Dariiqa awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu ...

More information