2 - Dalkajournal.com

Transcription

2 - Dalkajournal.com
“qasadKEYNNu waa qaNCINtaada ”
Caddadka 2-aad 15 December 2015
GEERIDU WAA XAQ HASE
AHAAATEE GACAN KA
GARDARAN AYAA DISHAY
MARXUUMAD
HINDIYA XAAJI MAXAMED
daLKa maGaZINE: CONtaCt us: [email protected]: vIsIt: www.daLKaJOurNaL.COm
2 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
tusmada
3
4
5
7
9
11
12
14
15
16
17
19
Hiniyo Xaaji iyo Liibaan Cali Nuur: Lamaane loo
dilay qarankooda dartiis
NABADEYNTII GAALKACYO:
MID LAGU CAANO MAALAY
Wasaaradda Warfaafinta & Xiriirka Dibadda.. Socdaallo Guuleed
Saaxiibkey Cawke,
Saaxiibkii Mikrofoonka
SHIRKii QARAN EE WARBAAHINTA SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAY
SanadkA DHAMMAANAYA
& Sanadka cusub!
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la
soo dhaafay 12 December 2015
INDHAHAYGA HORTOODA!!!
DHALIISHA DHAQANKA : KALA SARREYSIINTA WIILASHA & GABDHAHA
Alshabaab oo u kala Jabay Daacish
iyo Al-caaqidda
HEEGAN OO SOO TIIGSATAY FIINAALKA KOOBKA JENERAAL DAA’UUD
Cidina ma mooga kaalintooda
2 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
Hiniyo Xaaji iyo Liibaan Cali Nuur:
Lamaane loo dilay qarankooda dartiis
• 3
Argagixisadu ma lahan damiir naxa,
mana xushmeeyaan diin iyo dhaqan.
Haddii ay akhlaaq leeyihin haba yaraatee ama ay insaaniyad yari ku jirto,
waxay ka fikiri lahaayeen carruurta
agoonta ah ee ay aabahood horay u
dileen argagixisadu, markaas ayay u
turi lahaayeen.
Hindiyo shahiidday, oo ilaahey ayaa
naga doortay, Intaas ayay ajasheedu ku
ekeyd mana jirin cid muddo kordhin u
sameyn kartay, laakiin waxaa dambi
iyo culeys adduun iyo mid aakhiroba
dusha u ritay kuwii dilay ee u arkayay
in ay guul ku gaarayaan dilkeeda.
Hindiyo waa Shahiidday, waayo waxaa
dishay gacan ka xaq daran oo dhagar
badan, sidaas oo kale ayuu u shahiiday odaygeedii oo sidan oo kale ay
argagixiso nolosha diiddani u gaadday.
Geerida Hindiyo waxay nagu beertay naxdin weyn, si ka duwan dadkii
hore ee la dili jiray iyagoo qarankooda
u shaqeynaya, sababtuna waa in ay
hooyo iyo aabbe u ahayd carruur yar
yar oo agoon ah iyo in ay ahayd qof
dumar ah.
Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo
ka mid ahayd wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo
SNTV ayaa khamiistii 3-dii December 2015 lagu
dilay qarax ka dhashay walxo qarxa oo loogu
xiray gaarigeeda.
Hindiya ayaa qaraxu haleelay xilli ay ka soo baxday Jaamacadda Soomaaliya oo ay dhiganeysay,
waxa ayna dhaawac culus oo soo gaaray ugu
geeriyootay Isbitaalka Madina ee Magaalada
Muqdisho.
Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed
waxa ay ka mid ahayd wariyeyaasha ugu firfircoon Warbaahinta Qaranka.
Hindiyo waxa ay ku soo biirtay Radio Muqdisho
sanadkii 2009, waxa ayna ahayd tabiye aad ugu
wanaagsan soo gudbinta wararka iyo barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishankaba. Hindiyo waxa
ay kaloo soo noqotay xoghayaha Guddiga Goob
shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta.
Hindiyo waxa ay ahayd hooyada shan carruur
ah oo 2 ka mid ah ay u dhashay Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka
Telefishanka Qaranka oo 20-kii September 2012,
kooxda Alshabaab qarax ku dileen isaga , wariyeyaal kale iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dilkii seygeedii Liibaan Cali Nuur, Hindiya
kama reebin in ay joojiso shaqadii ay u heysay
qarankeeda, waxa ayna nafteeda u nadartay in
ay u adeegto dalkeeda iyadoo dhabarka u xiratay
korinta carruurteeda ay qaarkood agoonta yihiin.
Allaha u naxariistee Hindiya waxa ay heli jirtay
hanjabaado dil oo kaga imaanayay Alshabaab,
kuwaas oo ugu gooddinayay in ay dili doonaan,
balse waxay fagaareyaal badan ka sheegtay in
aysan u dheg dhigi doonin caga jugleynta kuwii
carruurteeda agoonteeyay.
Laakiin dhagar qabeyaasha naxariista darani
kama daalin in ay hagar daamo u maleegaan
Hindiya oo ay u gagsan waayeen kartideeda iyo
u adkeysigeeda dhibtii gaartay, waxayn iyada
iyo carruurtii ay aabbe la’aanta dhigeen u quuri
waayeen in ay noolaadaan, sidaas darteed ayay
dadaal badan ku bixiyeen in ay iyadana nolosha
dhaafiyaan, si ay carruurtii agoonta ahaa rajo uga
dhigaan.
Arxan laaweyaashu waxay ku guuleysteen
ujeedkoodii xumaa, waxa ayna 3-dii December
qarax ku dileen Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ay
argagixisadu dileen, dambina uga dhigeen in ay
carruurteeda agoonta ah korsatay.
Argagixisadu waxay dileen qof dumar ah, waxay
sidaas uga boodeen diinta Islaamka oo meel
adag iska taagtay , isla markaana mamnuucday
dilka haweenka iyo dadka jilicsan. Sidoo kale
waxay arxan laaweyaasha Hindiyo dilay xushmeyn waayeen dhaqammada dagaalka ee dunida
oo dhami isla taqaanno oo ah in aan dumarka la
dilin.
Innagu waan ka naxnay kana murugoonnay geerida Hindiya, sidaas ayay
uga murgeen dadka damiirka lihi dal
iyo dibadba. Laakiin Ilaahii oofsaday
ee argagixisada ku sababay isaga tiisu
meel ayay u taal mana dayacayo carruurtii ay ka tagtay.
Agoonta iyo Rajada ay ka tageen
Hindiyo iyo Liibaan , waxaa u maqan
allahii abuuray ee qof walba u damaanad qaaday wax uu ku noolaado, ka
sokowna waxaa garab u ah ummadda
Soomaaliyeed ee ay waalidkood dartii
u dhinteen.
Waa qoys naftooda u huray dalkooda
iyo difaaca dadkooda, kana dhiidhiyay dulmiga argagixisada iyo amar ku
taagleyntooda.
Waa Halyeeyo Qaran ( National Heros)
waxay muda yihiin in sidaas loo aqoonsado. Dowladda Soomaaliya waxay
ballan ku qaadday in ay daryeelka
ay u baahan yihiin siin doonto caruurta rajada ah ee ay ka tageen Allaha u
naxariistee Hindiya iyo Liibaan, rajadeennu waa in ballan qaadkaas laga
dhabeeyo.
Allaha u naxariisto qabtrigeedana
allaha u waasiciyo Hindiyo Xaaji
Maxamed iyo intii kale ee dulmi lagu
dilay , ilaaheyna ha garab galo carruurtii iyo ehelkii ay ka tageen, isagaa
daryeel ugu filane. AAMIIN.
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 33
4 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
NABADEYNTII GAALKACYO:
MID LAGU CAANO MAALAY
Horta yaa ka dambeeyay in dagaalkaasi
uu ka dhex dhaco labadaasi Maamul? in
su’aashaasi la is waydiiyo ma aha wax sahlan, hase ahaatee dagaalkii Gaalkcyo waa
uu qarxay waxa uuna sababay dhimasho,
dhaawac iyo barakac, hase ahaatee doorkii
ay ka cayaartay dowladda Federaalka ee
Soomaaliya, ayaa sababtay in labada dhinac is hor fadhiisitaan ayna wada hadlaan, isla markaasna arrintaasi ay noqotay
mid la isugu tago oo ay ka qeyb qaataan
heeshiisiinta labada maamul ee Puntiland
iyo Galmudug, iyadoo madaxweynayaasha
Maamullada Jubbaland iyo Koonfur galbeed
iyo beesha caalamka ay door muhiim ah ka
qaateen sidii loo demin lahaa dabkii ka holcay labada maamul Goboleed ee deriska ah.
Mudane Cumar C/rashiid Ra’isul wasaaraha
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhexda u
xirtay, isagoo ay garbihiisa buuxinayaan
qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanno,
ma sahlaneen markaasi in si deg deg ah inta
laga wada hadlo haddana dib loo heshiisiiyo,
inkastoo isku daygii koowaad uu ka dhashay
dagaal kale oo labaad, haddana arrintaasi
waxay keentay daan daansi cusub oo aad
looga xumaaday, waxaase xoogga saaray
sidii loo demin lahaa dabkaasi Mudane
Cumar C/rashiid ilaa uu guul ka soo hooyo,
waana uu ku guulaystay, waxa uuna mar kale
walaaleeyay dadkii isdilayay, waxaana la
kala saxiixday heshiis kama dambeys ahaa,
iyadoo labada Hogaamiye ee maamula labada Maamul Goboleed ay dadaaleen, kaddib
markii ay isla garteen xaaladda dhabta ah,
4 • Dalka Magazine
taasoo sababtay haddana in ay ka muuqatay
farxad iyo reyn reynd, iyadoo mid walbana
uu ballan qaaday in dagaal dambe uu dhici
doonin.
Heshiiskaasi, waa lagu caano maalay, waxaana furmay baal cusub iyo waa cusub,
taariikhda waa marka la leeyahay dib ha loo
raaco, waayo shalay gobolkaan Gaalkacyo,
waxaa loo heestay gobol aan dagaal ka
nasan, laakiin taasi waxay noqotay wax laga
badbadiyay oo been abuur ah, waayo
Affartii qodob ee lagu kala saxiixday
magaalada Gaalkacyo, waxaa ka mid ahaa
in xabadda la joojiyo shuruud la’aan, waana
la joojiyay, in la kala raro ciidamada is
horfadhiya, waana la kala raray , in la magacaabo guddi ka kooban labada dhinac si
markaasi ay ula socdaan hadba is beddellada
wanaagsan iyo kuwa sharta wata.
Mudane Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in
isaga iyo walaalkii C/kariin ay dejin doonaan qorshe qota dheer oo hagaajiya nolosha
labada dhinac ee walaalaha ah, wuxuuna
intaa ku daray in ay ka faa’idaysanayaan
isaga iyo Madaxweynaha Galmudug qibraddii ay ka heleen wixii dhacay oo ay ahayd
in aysan dhicin, taasoo wixii dhacay aysan
ahayn wax wanaagsan.
Hadda iyo wixii ka dambeeyaba waxa
ay sheegeen oo ay balan qaadeen labada
Madaxweyne in ay horumarin doonaan labada maamulba, taasoo la filaayo in maamullada kale ay ka hormaraan.
Dad badan markii ay maqleen in Gaalkacyo
in uu dagaal ka qarxay, waxaa u soo sawirantay in aanu istaagi doonin, nabaduna ay
ku adkaan doonto, hase ahaatee malahaasi
ma noqon mid u dhacay sidii loo qiyaasay,
laakiin booskeedii waxaa buuxiyay nabada
iyo horumar lagu daah rogay dib u heshiisiin
aan mid kale ka daba imaan doonin.
Soomaaliya waa soo martay dagaallo sokeeye oo qaab daran, kuwaasoo sababay in
ay ku dhintaan kumanaan iyo kumanaan,
iyadoo tiro intaas ka sii badanna ay tahriibtay iyadoo aan ogeyn halka ay u socdaan,
taas darteed haddii la maqlo dagaal dadkoo
dhan waxaa maskaxdooda ku soo dhacaya
dagaalladii affar biloodka ee amaan darrida
iyo quursiga saldhigga u ahaa, taas darteed
dagaalka Gaalkacyo haddii uu dhacay ma
aha micneheedu in Gaalkacyo ay Muqdisho
tahay, caasimaddii foodada ka bilaabatay,
dowlad la’aantana sababtay, haddana ay ka
dhasheen dowladdo KMG ah iyo dowlad
rasmi ah, ee hadda umadda indhaha u kala
qaaaday, kuna toosisay dhabaha dhabta ah,
haddana waxay tiigsanaysaa sidii loo wanaajin lahaa hiigsiga cusub iyo doorashada cusub
ee 2016-ka, inkastoo aysan ahayn heestii
oranaysay Fuliyoow guuli kuu dhaweedaaa.?
W/Q: Ciise Faarax
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
WASAARADDA WARFAAFINTA &

• 5
Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh alcadaala,
agaasimaha radio Muqdisho Cabdiraxiim
Ciise Caddow, agaasimaha Hobollada
Waaberi Maxamed Xasan barrow, eng fu’aad
Muxyidiin khaliif oo ka tirsan mas’uuliyiinta
qeybta farsamada ee SntV iyo la taliyaha
Wasiirka Cabdiraxmaan nadiif.
agaasimeyaasha wasiirka ku wehliyay safarkiisa ayaa iyaguna kulammo la qaatay dhiggooda kuwait oo ay kala hadleen iskaashi
dhex mara hay’adaha ay madadxa ka yihiin iyo
dhiggooda kuwait.
agaasimaha telefishanka Qaranka Soomaaliya
Cabdiraxmaan alcadadala, ayaa booqday
xarunta telefishanka iyo raadiyaha kuwait,
halkaas oo uu kula soo kulmay mas’uuliyiinta
warbaahinta kuwait oo ay wada gaareen is
afgarad iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan.
13-kii october Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi
Xayir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay
dalka kuwait, ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Wasiirka
Warfaafinta iyo dhaqanka ahna wasiiru-dowlaha dhallinyarada iyo cayaaraha kuwait mudane Saalim …. … .
Sidoo kale agaasimaha radio Muqdisho
Cabdiraxiim Ciise Caddow, ayaa xafiiskiisa
ku booqday agaasimaha guud ee wakaaladda
Wararka kuwait … oo ay ka wada hadleen
Wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa dalka kuwait, oo uu kala hadlay
xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee
walaalaha ah ee Soomaaliya iyo kuwait. Waxay sidoo kale labada wasiir
is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan iskaashiga dhex mari kara labada
wasaaradood ee warfaafinta labada dal.
Wasiirka Warfaafinta,kuwait …. ayaa ballan qaaday in dowladda kuwait
ay Soomaaliya ka caawin doonto dhanka horumarinta warbaahinta, haddii ay noqoto tan dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba, ayna siin
doonto taageero dhinacyada qalabka iyo tababarrada ah.
labada wasiir ayaa isla gartay in warbaahinta dowladaha ee Soomaaliya
iyo kuwait uu dhex maro is dhaafsi dhanka barnaamijyada ah.
Wasiirka Waxaa Safarkiisa kuwait ku wehliyay agaasimaha telefishanka Qaranka xiriirka labada wakaaladood.
Wakaaladaha wararka ee Sonna iyo kuna waxay lahaan jireen
xiriir dhow, kaas oo dib u soo nooleyntiisu tahay horumar ay labada
wakaaladood gaareen.
dowladda kuwait, ayaa ah dalkii dhisay xaruntii hore ee telefishanka
Qaranka , kaas oo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay, waxaana
ay labada wasiir isla soo qaadeen sidii dib loogu dhisi lahaa xaruntii
telefishanka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir
Maareeye, ayaa socdaalkii isaga iyo wafdigiisu ku tageen kuwait
ku tilmaamay mid guuleed oo wax badan ugu fadhiya warbaahinta
Soomaaliya.
shirka midowga saxafiyiinta Carabta.
27 november, agaasimaha Waaxda Wax soo saarka & Qoraallada
liiibaan Cabdi Cali , ayaa magaalada khartoum ee xarunta dalka
Sudan uga qeyb galay shirka Midowga Saxafiyiinta Carabta kaas oo
ay Sudan marti gelisay.
agaasime Caddow, isagoo ka wakiil ah agaasimaha wakaaladda
Wararka Soomaaliyeed ee Sonna, warqad is faham ah la soo saxiixday agaasimaha wakaaladda Wararka kuwait, taas oo ah in labada
wakaaladood is dhaafsadaan wararka, sawirrada iyo filimmada ayna
yeeshaan xiriir dhow.
Shirka oo qabsoomay 29 iyo 30 november, ayaa looga hadlayay xaaladda saxaafadda iyo saxafiyiinta Carabta, iyadoo si gaar
ah diiradda loo saaray dalalka colaaduhu ka jiraan sida Yemen,
Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, liibiya,Sudan iyo kuwo kale.
Waxaa shirka lagu soo qaaday in dalalka qaar sida Yemen, Suuriya
iyo liibiya ay jiraan saxafiyiin badan oo ay kooxo hubeysani afduub
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 55
6 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Shirka ayaa soo saaray bayaan ugu baaqaya kooxaha hubeysan ee
afduubka u heysta saxafiyiinta inay deg deg u sii daayaan. Sidoo kale
dowladaha ayaa loogu baaqay inay joojiyaan xakameynta xorriyadda
saxafiyiinta.
Ugu dambeyntii waxaa loo ballamay in la isugu yimaado shir aan
caadi ahayn oo bisha May ee sanadka soo socda lagu qaban doono
dalka Tunis, si looga arrinsado dar dar gelinta howlaha Midowga
Saxafiyiinta Carabta iyo doorashada hoggaan cusub oo ururku yeesho.
8 December, Agaaasimaha Radio Muqdisho Cabdirarxiim Ciise
Caddow ayaa magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia uga qeyb
galay shirka Midowga Idaacadaha Dalalka Carabta.
u heystaan, sidoo kalena dalalka Carabta qaarkood ay cadaadis ku
hayaan xorriyadda saxaafadda iyo shaqada saxafiyiinta.
Waxa uu intaas ku daray in ay shirka hor dhigeen warbixin ku saabsan
xaaladda Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka idaacadaha, iyo
taageerada ay Soomaaliya uga baahan tahay dhinacaas.
Arrimaha ugu waaweyn ee uu agaasimuhu codsaday waxaa ka mid
Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay ka qeyb gasho shirka
Midowga Idaacadaha Carabta tan iyo 1991-kii. Agaasime Cabdiraxiim
ayaa sheegay in ay guul tahay in Soomaaliya ay dib u buuxiso kursigii
ay ku lahayd midowga Idaacadaha Carabta oo ay ka maqnayd muddo
25 sano ah.
Waxaa kale oo Soomaaliya codsatay in dalalka in Telefishanka
Qaranka lagu soo daro dayax gacmeedka Carabta ee Arab Sat.
04 December 2015 Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga
ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser
Hassan Hussein oo socdaal shaqo ku tagay dalka Koofur Afrika
ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka
Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah.
StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa
ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda
warbaahineed dalalka Afrika.
Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin
lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes
si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo
sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga
guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guura.
December 8,2015, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi,
ayaa magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti uga qeyb galay shir
ku saabsanaa xuquuqda haweenka iyo tacaddiyada lagula kaco.
Shirka oo socday muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb galay
wakiillo ka socday 19 wasaaradood oo ka mid ah xukuumadda
Soomaaliya iyo 7 mudane oo ka tirsan baarlamaanka.
ah in Radio Muqdisho laga caawiyo sidii uu heli lahaa mowjadaha
SW iyo MW , taas oo suurto gal ka dhigeysa in uu maqalka raadiyuhu
gaaro guud ahaan dalka iyo gobolka geeska Afrika.
Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo noociisa ah oo sanadkan dhammaanaya lagu qabto dalka Djibouti, waxaana wajigiisa saddexaad
lagu qaban doonaa magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa loo doortay in
ay la guddoomiye Co-chair ka noqoto shirka xiga ee Muqdisho ka
dhici doona sanadka soo socda.
Agaasimaha Telefishanka Qaranak Cabdiraxmaan Yuusuf
Sheikh Alcadaala, ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee
dalka Koofur Afrika, waxa uuna kulan la yeeshay mas’uulyiinta
Hay’adda Raadiyaha & Telefishanka ee daka Soutn Africa.
Waxa ay ka wada hadleen iskaashi dhex mara hay’adaha warbaahinta
Soomaaliya iyo Koofur Afrika . Sidoo kale waxa uu agaasimuhu la
kulmay mas’uuliyiinta Radio Africa oo ah idaacad ku hadasha afaf
badan oo qaaradda looga hadlo, waxa ayna ka wada hadleen sidii
Afka Soomaaliga loogu soo dari lahaa idaacadaas, maadaama Koofur
Afrika ay ku dhaqan yihiin Soomaali fara badan.
Sanadkii 2002 ayuu Radio Africa soo kordhiyay qeyb Af Soomaali ku
hadasha, hase yeeshee adeeggaasi muddo gaaban ka dib ayuu joogsday, waxaana hadda la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo
nooleyn lahaa.
visit: www.dalkajournal.com
6 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
Saaxiibkey Cawke,
• 7
Saaxiibkii Mikrofoonka
Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray
oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha
tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida
Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Axmed Siciid Cige,
Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii
dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo Zakariye
oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya.
Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne
Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay.
Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada
dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba,
ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u
kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo
Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada
iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan
duwan yihiin.
Waxaa kale oo ay isbarteen Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka
maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.
Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada
safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno.
Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House
in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo
shaqadiisana gudan karo.
Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda,
waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid
London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku
wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.
Fikir iyo Falanqeyn: By: Yusuf Garaad
Raadiye iyo Telefishin
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay
Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war
tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo
isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay. Aad ayay ii dhibiyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli
beysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke
howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo
aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…
inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo
Xaqiiqadu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku
xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan
sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn
iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku
karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo
jirin sida haddii ay dhacdo in waxa
barbaariyay, nin saaxiibbo badan kaslagu talo galay ay waxba ka qabsoomi
baday nin dad badani ay aqoon guud ka
waayaan iyo waxa gudboon, suurta
kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda
galna noqon kara in laga yeelo.
ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin
Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo
hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan
Telefishin waa howlwadareed oo qof
u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay
keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa
tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad,
wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la
ku dayasho xagga horumarka shakhsigu
wada karinayo oo ah barnaamijka la
ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey
soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid
looga mahadnaqo in uu Soomaali ka
bulsho midka uu ahaadaba.
dhaliyay.
Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr
Axmed waxaan isku barannay goob
maalmood ama ka badan ay koox
shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii
dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili
siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo
kara ama nooleyn kara waa tebiyaha
sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa
oo ah qofka farriinta qaadaya ee dheay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa
geystaha ugu gelaya gurigiisa, xafijeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo
iskiisa, makhaayadda, ama la raacaya
qormooyin ku saabsan dhacdooyika
baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.
markaa taagan ee xiriirka caalamiga,
difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa
Haddii aad koox kubbadda cagta ka
Marxuum Axmed Xasan Cawke
sida aan Raadiyaha ku soo galay.
soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo
Maalin ay ii diyaarsanayd qormo
iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedawanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu
hay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in
codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan
uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.
aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii
ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo
Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada
warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa
u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta
markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magctebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u
eyga aqoon.
ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 77
8 • Dalka Magazine
Dhanka kale, maaddaama ay
Saxaafadda inteeda badani ay
tahay howlwadareed, waxay u
baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad
wanaagsan.
Axmed intaas iyo ka badanba
wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in
uu ahaa nin maad badan oo iyada
oo shaqo adag lagu jiro haddana
dadka ka qoslin kara oo illowsiin
kara daalka iyo werwerka.
Hibo Allah
Axmed Xasan Cawke, wuxuu
ahaa shakhsi khibrad aad u dheer
u leh nolosha iyo warfaafinta.
Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan
mikrofoonka. Hadduu yahay
mid Raadiye, mid Telefishin iyo
midka fagaarayaasha la isugu
soo baxo.
Hibadaasi waxay isugu jirtay
waa marka koowaade in aanay
maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel
ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta
oo lala hadlayo wuxuu Allah
garansiin jiray sida wax looga
dhaadhiciyo ama ugu yaraan
intaa uu hadlayo ayuu maskaxda
ka qabsan jiray.
Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku
wanaagsan dhegeysiga, isaguna
si wanaagsan ugu tababbartay
hadba sida loo rog rogo, kor in
loo qaado iyo in hoos loo dhigo,
in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah
loo yiraahdo, in la sii cusleeyo
iyo in la khafiifiyo. Aammus
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
marka loo baahan yahay si ay
dadku u fahmaan, ugana yara
fekeraan waxa aad u sheegtay
iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo
aammuskaasi. Codkaas ma ahan
keliya in inta af Soomaaliga ku
hadasha ee barnaamijyadiisa ku
taxani ay qiran yihiin. Waxaa
qiray dad aan af Soomaaliba ku
hadal. Waa farsamayaqaannada
gabdhaha iyo wiilasha leh ee
Ingiriis iyo dhalashooyin kale
isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.
Taas ayaa keentay in uu Axmed
ka duwanaado weriyayaasha
badankood oo iyagu dhinac
uun ku kooban ama u badan.
Axmed wuxuu ahaa nin isku si
ugu wanaagsan barnaamijyada
wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.
Hibada kale ee Ilaaheey Axmed
siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka,
waa in uu ahaa nin aqoon fiican
u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaalida. Wuxuu aad u
xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.
Dabeecad-wanaag
Xagga shakhsiyadda, Axmed
wuxuu ahaa nin aan calool-kuqaad iyo uurxumo aqoon. Haddii
aad is qabataan wuxuu ahaan
jiray nin durba ka soo noqda
carada. Marka ay dhacdo in uu
soo laaban waayana, waxaad
hubtay in marka aad adigu ka
dalabto is afgarad in aad ugu
tegeyso isfaham iyo heshiis dhab
ah.
Wuxuu ahaa nin dhug leh oo
asaga oo aan muujin lagana
dareemin, haddana si aad ah
ula socda dadka hareerihiisa ah
ee ay wada shaqeynayaan sida
ay iyagu isula macaamilyaan.
Midka howsha hagranaya, kan
cinaadka wada, midka xanta
hoose gudbinaya, midka qof
hadal u dusinaya, midka aan
la isku hallayn karin, kan caga
jiidaya, midka isbeen farriimaya
iyo kuwa la midka ah (ikm).
Sidoo kale wuxuu la socday
midka kaalintiisa gacan ku siiya,
kan dadaalka badan, kan khatar
ka diga amaba ka xalliya, midka
khalad ka saxa, midka si hagar
la’aan ah howsha ula fuliya ikm.
Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday
firfircooni aad u badan iyo ku
kalsoonaan shaqadiisa.
Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo
si wanaagsan u lebbista, ilaaliya
muuqaalka timihiisa iyo garka
iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.
Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay,
howlaha aan isla qabannay, inta
aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo
iyo laba ku soo koobi karo.
Axmed wuxuu ahaa nin salaadda
ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga
baryayaa naxariista Janno in uu
siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in
haddii ay wax ka tabanayaan ay
cafiyaan, una duceeyaan.
Muqdisho
Dad badan ayaa shalay iyo
xalay iiga tacsiyadeeyay geerida
Axmed Xasan Cawke iyaga oo
ka fekeraya in aan wada shaqeyn
jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin
ka tirsan madaxda Sportigu
wuxuu xalay ii sheegay in iyaga
oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen.
Cayaaraha Gobollada ayuu noo
raaci jiray ayuu yiri.
Wasiir hooyadii dhimatay oo
aan tacsi ugu tegey, waxay
Xildhibaanna ag fadhiyay u
sheegeen Wasiirka in uu anigana
iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.
Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u
kooban ayaan dhigay Facebook.
In ka yar 14 saacadood, waxaa
ducada Cawke soo qoray 2794
waxaana share gareeyay 432.
Waxaase i taabatay markii xalay
meel isbaaro taallo oo mugdi ah
uu soo istaagay baabuur aan la
socday. Askarigii noo yimid ayaa
wadaha ku amray in uu nalka
gudaha shido. Askarigii markii
uu i aqooday ayuu baabuurka
la soo wareegay oo dhankeyga
yimid. Intuu i salaamay ayuu
yiri Cawke Allah ha u naxariisto
adigana samir iyo iimaan.
W/Q: Yuusuf Garaad
URURRADA SIYAASADEED IYO KUWA DIIMEED
MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN
Ururrada siyaasadeed iyo
kuwa diimeed waxay ku kala
duwan yihiin mabda’a iyo
ujeeddooyinka loo dhiso,balse
dadka intooda badan way isku
qaldaan labadaan urur.
A)-Haddaan ku horreyno ururrada siyaasadda waa ku mabda’
iyo ujeeddo, balse waxay ku
kala duwan yihiin tababaha
iyo siyaasadda lagu gaarayo
yoolka ay hiigsanayaan.
Sidoo kale, waxaa jira xisbiyo
siyaasadeed ee u tartamayo
hoggaanka siyaasadeed ee
dalkooda sida doorasho baarlamaan iyo madaxtooyo sida
caalanka maanta ku badan.
B)-Ururrada diimeed, iyagu
way ka duwan yihiin kuwa
siyaasadeed ee aan soo xusnay
Ururrada diimeed, waxaa loo
dhisaa fidinta caqiiddo diimeed mid islaam iyo mid gaalo
middeey ahaataba.
-Qaar lagu magacaabo Jabhado
way hubeysan yihiin waxayna
udagaallamaan inay dalkooda
ka xorreeyaan gumeysi heysta
ama waxay doonayaan inay
ridaan xukun dowladeed ee
keligii taliye noqday.
Ururrada diimeed ee muslimka
ah waxaa loo dhisaa, inay fuliyaan oo aly gaarsiiyaan diinta dadka caalamka jooga oo
dhan, waa howshii nebiyada
iyo rususha, waxaana dhaxlay
culimada ilaah diinta baray.
-qaar kale, waxaa lagu magacaabaa xisbiyo siyaasadeed oo
si nabad ah dadkooda xornimo
ugu doonaya, isagoo sameynayo isu soo bax nabadeed oo
joogto usoo bandhiga dareenkooda iyo rabitaankooda sidii
Ururkii SYL.
Dacwada fidinta diinta islaamka iyo bariddeeda, dadka waa
waajib saran, gaar ahaanna
culimada,waana howl joogto
ah inay diinta dadkoo dhan
gaarsiiyaan, islaamkana baraan
sidii diinta loogu dhaqmi lahaa.
Dacwada iyo fidinteeda, diinta
8 • Dalka Magazine
islaamka dadka ujuuro kagama qaataan kumana dirqiyaan
qofka inuu diinta ilaah rumeeyo
iyo inkale,howshoodu waa
gaarsiin oo keliya sidii nebiyada iyo rusushaba ahaayeen.
Culimada islaamku,si loo
xoojiyo dacwada diinta islaamka, waxay sameeyaan ururro
diimeed oo mutadhawaciin
ah, oo ka qeyb qaata dacwada diinta islaamka, xilli kastana way jireen, haddana way
jiraan intooda badan, xurimahooda waa masaajidda oo ah
xarumaha xirta cilmiga diinta
islaamka lagu baro, culimada
howshani ku howlan way soo
jireen tan iyo asxaabihii.
Xilligii Nebigeenna Maxamed
(NNK) waxaa jiray koox lagu
magacaabi jiray asxaabu sufa
oo iyagu u go’naa inay dadka
diinta qaatay ee soo islaamay
diinta baraan, loona diri jiray.
Waxaa soo baxay culimo
damac siyaasadeed iyo mid
adduun yeeshay oo doonaya
inay mansab siyaasadeed ku
gaaran magac urur diimeed
uu isaga sameystay, oo qofkii
ururkiisa ka soo horjeeda ku
sheega in uu islaamkii ka
baxay, waa yaabee ma islaamnimadu ayuu ku xukuma oo
cidduu doono ka saaraa qof
culima ahi waa yeelan karaa
damac siyaasadeed, balse ma
haboona inuu sheegtaa urur
diimeed la siyaasadeeyay, taasi
waxay fool-xumeyneysaa diintii islaamka oo khalqiga oo
dhan ka dhaxeysay, waxay horjoogsaneysaa dacwadii diinta
islaamka iyo dadkii soo islaami lahaa maalinba maalinta ka
dambeysa si ikhtiyaari ah.
Haddaba, sidaa haa kuugu kala
caddaado ururrada siyaasadeed
iyo kuwa diimeedd iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin
xag mabda’ iyo ujeeddo intaba.
W/Q: Dr. Mursal.
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
• 9
SHIRKii QARAN EE WARBAAHINTA
SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAY
Wasaaradda
Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda
Federaalka ah ee Soomaaliya
ayaa 24-25kii November, 2015
magaallada Muqdisho ku qabatay
Shir Qaran oo looga hadlay horumarinta warbaahinta Soomaaliya.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay
wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada Galmudug,
Jubbaland, Puntland iyo KoofurGalbeed, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay masuuliyiin
ka socotay gobollada Hiiraan,
Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.
Wakiilo ka socday ururrada saxaafadeed ee dalka ka jirta iyo
masuuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale
shirkaan ka soo qeyb galay.
Wasiirka warfaafinta mudane
Maxamed
Cabdi
Xayir
Maareeyee, ayaa furay shirkan,
isagoo tilmaamay in ujeeddada
shirkaani ay tahay:
In ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe
iyo wasaaradaha warfaafinta
dowladaha xubnaha ka ah, si ay
isaga xaaladda warbaahinta dalka
iyo sida loo horumarin karo..
In warbaahinta madaxa bannaan
fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay
bulshada soomaaliyeed farriin sax
ah u gaarsiin lahaayeen iyo
In aan fursad u helno hay’adaha
taageera warbaahitna Soomaaliya,
si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta
Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo
caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.
“ Natiijada shirka laga sugayaa waa in isbaddel weyn dhaco
marka uu dhammaado, oo saddexda qeybood ay sameystaan
qorshe mideysan oo daweynaya
baahida warbaahineed bulshada”
ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta,
Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed
Cabdi Xayir Maareeye.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya
iyo Saraakiisha wasaaradda ayaa
kulamo la qaatay masuuliyiinta
warfaafinta ee heer gobol, ayadoo lagu heshiiyay in iskaashi
guud uu dhex maro labada heer
ee dowladeed si loogu gudbiyo
shacabka fariin saxan oo ka qeyb
qaadanaysa dib-u-dhiska dalka.
Warbaahinta Gaarka ah
Qeybaha warbaahinta ayaa yeeshay doodo gaar gaar ah oo ku
saabsan xaaladaha ay ku sugan
yihiin warbaahintu iyo talooyinka ay qabaan ee ku saabsan
in lagu horumariyo saxaafadda
Soomaaliyeed
Madaxda iyo wakiillada ka socda
hay’adaha warbaahineed ee
gaarka loo leyahay ayaa dood ay
yeesheen ku gorfeeyay caqaba-
daha oo ku tilmaameen.
wariyaha.
Baaahi dhinaca tababarka ah
Wariyeyaasha oo aan la siinin
xogta ay u baahan yihiin.
Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka
iyo Dalxiiska mudane Maxamed
Cabdi Xayir, ayaa tilmaamay
in qodobbada ay soo jeediyeen
warbaahinta gaarka loo leeyahay
ayay yihiin kuwo in wax laga
qabto ay tahay.
Sharciga saxaafadda ayaa daaweynaya sida uu wasiirku sheegay
caqabadaha saxaafadda haysta sida Mushaar la’aanta ay
ku shaqeeyaan wariyeyaashu,
Xogaha ay helaan, Tababarro in
la siiyo iyo in la ogaado qofka
wariyeha ah. Ayadoo ilaalinta
ammaanka wariyeyaasha ay tahay
xuquuq lagu leeyahay dowladda
Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa
sheegay in qorshe cad oo faahfaahasan loo sameyn doono warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo
horseedi doonta in si wanaagsan
looga faa’iideysto taageerada ay
hay’adaha caalamiga ahi siinayaan warbaahinta.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay
in sidoo kale loo bahan yahay in
saxaafadda Soomaaliyeed ay ka
shaqeyso nabadda, waddaniyadda
iyo wacyigelinta bulshada, ayadoo la sameynayo siyaasad qaran
oo lagu wajahayo arrimahaas.
Baahi Qalab
Baahi Dhaqaale ama mushaar
la’aan iyo
Tababarro soo noqnoda oo aan
baahida warbaahinta waafaqsanayn
Wakiillada saxaafadda ayaa soo
sidoo kale soo jeediyay Qodobbo
ay isla garteen oo ay dowladda
dhexe, dowladaha xubnaha ka ah
iyo hay’adaha taageera warbaahinta u jeediyeen, qodobbadaas
ayaa ahaa;
1In la helo istiraatiijiyad
heer qaran ah oo ka tarjunta baahida warbaahnta dalka, si taageerayasha caalamiga ah iyo kuwa ka
faa’iideysanaya ay isu fahmaan.
2In la ixtiraamo xoriyadda saxaafadda isla markaana
ammaanka saxafiga ay ilaaliyaan
dowladuhu.
3In
la
sameeyo
Madal Qaran oo warbaahnta
Soomaaliyeed mideysa, isla
markaana
xaqiijisa
wadashaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta.
4In la dadajiyo sharciga
saxaafadda ee baarlamaanka
hor-yaalla, waxna laga beddelo
qodobbada qaar ka hor inta aan
la ansixin. Qodobbada walaaca
leh waxaa ka mid ah Shuruudda
War-Murtiyeedkii Shirka.
Waxaa shirka taageeray xafiiska
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha
Guud ee QM (UNSOM) oo
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 99
10 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka &
Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah
ee XG ee QM, Nicholas Kay ayaa ka soo qeybgalay furitaanka shirka.
Go’aamada Shirka kasoo baxay
▪
Wasiirradu waxey soo dhoweeyeen, una mahadceliyeen
doorka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo
taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey u mahadceliyeen
doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aadan diyaarinta barnaamijka,
qorshaha istraatejiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka
muhiimka ah kadib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada
dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta
ka hawl gasha dawlad goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa.
5
Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda,
amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta.
3
Waxay isku waafaqeen wasiirradu muhimadda ay leedahay
in Wasaaradaha Warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku
yeeshaan qorshe iyo istraatejiyad cad oo lagu taageerayo nabadda iyo
xasiloonida dalka, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda.
4
. Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn
buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta
ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan
ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha.
5
Wasiiradu waxey isla garteen in Xeerka Saxaafada ee
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee hada horyaala golaha shacabka Soomaaliyeed dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 cisho ah si
dawlad goboleedyadu fursad ugu helaan in ay soo dersaan sharciga.
6
Wasiiradu waxey isla garteen in marka la ansixiyo xeerka
Saxaafadda laga wada shaqeeyo dhaqangelintiisa iyadoo golaha
Warbaahinta Qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan
Dawlad Goboleedyadu si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax
marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba
xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta.
7
Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna amaaneen
horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed.
Waxay xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta
xorriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka
18-aad ee dastuurka KMG ah.
8
Wasiirradu waxa ay isla meel dhigeen in si hawlgallada
ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo
xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan
yahay in dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo is kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda
oo la dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada ee wax
kala tirsanaya.
9
Waxay hoosta ka xarriiqeen in bahda warbaahinta oo is kaas10 • Dalka Magazine
hanaysa ay sameyn karto wacyigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka
Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka
dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday.
10
Wax ay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga aheyn iyo hanjabaadaha ah ay kooxaha argagixisada ah iyo
sharwadayaal kaleba ay ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta
Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta
ku soo dhigaan dembiilayaasha oo ay sharciga hor keenaan.
11
Wasiirradu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna
ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta
Soomaaliyeed ay gelayso marxaladda cusub.
12
Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha saxaafadda
taageera ee caalamiga ah ee magaca warbaahinta Soomaaliya deeq
bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamijyadooda u soo
gudbiyaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad
goboleed si looga hortago in barnaamijyo isku mid ah ay wada saameeyaan oo aan ka tarjumeynin baahida warbaahinta.
13
Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta
in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal
iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dawlad goboleedyada ay ka hawlgalaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran.
14
Waxay wasiirradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed
uu u baahan yahay wacyigelin la xiriirta barashada dhinacyada
Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka, loona baahan
yahay in Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo ay ku wacyigelinayaan
bulshada Soomaaliyeed.
15
Waxay Wasiiradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed
loo qabto barnaamijyo wacyigelineed oo la xiirira amniga, wadaniyada, midnimadda iyo is aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, degaamadda iyo beelaha Soomaaliyeed.
16
Wasiiradu waxay bogaadiyeen hawlgaladda amni iyo guulaha
ay ka soo hoynayaan dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya
iyo kuwa AMISOM, waxayna ugu baaqaan in ay soo afjaraan ciribtirka UGUS iyo kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay gabaad
ka dhigtaan Soomaaliya.
17
Wasiiradu waxay isku afgartaan in ay shir dambe isugu soo
noqdaan bisha December 2015 si ay u meel mariyaan qorshaha iyo
istraatejiyada horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee shanta sano
ee soo socoto oo hada gacanta lagu hayo.
Wasiiradu waxay ugu baaqeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururada
taageera warbaahinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan isla markaana
joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay Wasaaraduhu
wadaan oo si simman dalka oo dhan looga hirgelin doono.
W/Q: Yusuf Sh- Ciise
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
• 11
SanadkA DHAMMAANAYA
& Sanadka cusub!
Laga soo billaabo, 1991-kii ilaa laga soo
gaaro dagaalkii u dambeeyay ee Gaaalkacyo
ka dhacay, shacbiga Soomaaliyeed wuxuu
intaasi ku jiray halgan adag, kaasoo laga
dhaxlay is beddelo cusub ee gudaha ah iyo
kuwo qiimo leh oo la filayo in ay dibadda
kaga yimaadaan, waxaa sii dhamaanaya 12
bilood, ma aha wax sahlan waayo, waxaa
laga hadlayaa maxaanu ka kororsanay sanadkaasi sii socda? maxaa is beddel ah oo aanu
kala hortegaynaa sannadka cusub ee 2016ka?.
Sadaal ahaan dadku waxbay sheeg sheegaan,
taasoo loo arko rajo, inkastoo dowladda
Soomaaliyeed ay howlo badan ay horyaalaan, haddana waxaa laga doonayaa in
ay qabato 2016-ka, doorasho ka duwan tii
socon waysay ee qof iyo codkiisa, kaddib
markii ay dowladdu ay rog rogtay in sannadka soo socda aanu qabsoomi karin doorashada qof iyo codkiis ah, taasi beddelkeeda,
waxa ay dowladdu xoogga saartay in ay la
tashato shacbigeeda, iyadoo Maamul goboleedyada oo dhan lagu soo qabtay shirar
lagu lafa gurayo hiigsiga cusub iyo sida loo
wajihi doono doorashada 2016-ka.
Waxaa mar walba horteena ah, sidii
Soomaaliya ay u horumari la hayd, waxaa
tiigsigeena ah sidii shacbiga Soomaaliyeed
uu u gaari lahaa horumar, waxaa qadarin ah sidii uu Shacbiga Soomaaliyeed uu
isku qadarin lahaa, waxaa laga xumaaday
dagaalkii Gaalkacyo, iyadoo sannad gabo
gabo lagu jiro, hase ahaatee, sannadyahow
cusub shacbiga Soomaaliyeed waa uu ku
soo dhaweynayaa, dhab ahaantii waxa uu
noqon doonaa sannad cusub oo lagu guulaysto, haddii uu shacbiga Soomaaliyeed uu
noqdo shacbi gacmaha is haysta oo aanu ka
dhexaynin waxa ay Soomaalidu ku faanto
ee Reer hebel, taas waaye waxa inta badan
sabab u noqda dib u dhacyada dalka iyo
dadka.
Sannadyahow cusub, aan isla sabootino sannadkii hore,waxaan eegaynaa sannadkaan
cusub waxa ay Soomaali noqon doonto,
waayo sannadkaan ma aha sannad sahlan,
maxaa yeelay waxa uu leeyahay astaamo
lagaga daydo dhinacyada horumarka iyo
guulaysiga hiigsiga cusub ee 2016-ka.
Dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ka amba
qaadaysa sida ay u dabooli lahayd rajadii laga
qabay in ay qabsoomto doorasho qof iyo cod
ah, taasoo hadda loo bedelay iyadoo lagala
tashanayo shacbiga Soomaaliyeed, beesha
caalamka, waxay hadda maraysaa heer gabo
gabo, rajaduna ma xuma oo waxaa cagaha la
saari doonaa waddadii ay Soomaalidu mari
lahayd, ayna ku gaari lahayd horumar iyo
tusaale lagaga daydo, taas waxaa ka horaysa
Sannadyahow tegay, inkastoo uu ka shiddo
yaraa sannadkii ka horeeyay ee 2014-ka,
waxa ay hadda diiraddu saaran tahay oo
yididiilo badan laga qabaa waxa laga dhaxli
doono sannadkaan cusub ee 2016-ka, kaasoo
geedigiisa loo wada xir xirtay, si markaasi
uu shacbiga Soomaalieyeed uu Alle ka baryo
in uu ka badbaado haraantida sannadka sii
socda, iyadoo sannadka soo socdana uu
noqon doono mid lagu baratamo laguna
barwaaqoobo.
Sannadayahow sii socda waxaad nagu salaantaa sannadihii kaa horeeyay ee tegay, waxaan
soo dhaweynaynaa sannadka cusub iyo hiigsiga Cusub, iyadoo shacbiga Soomaaliyeed
uu maanta u hirgaleen Maamul Goboleedyo,
taasoo micneheedu ay tahay in la baahiyay
taladii dalka, cid walbana laga qeyb gelinaayo geedi socodka nabadda, haddana taas
micneheedu ma aha in la cabbiraayo firkado
lagu kala tegaayo, laakiin waxa uu noqon
doonaa shacibiga Soomaaliyeed, inta lagu
guda jiro howlahaan shacbiga Soomaaliyeed
mid wada tashta oo aan is khilaafaynin iyo
dowlad wada shaqeynaysa oo aanu khilaaf
ka dhex dilaacaynin.
Waxaan oo dhan waxaa ka horraysa in aanu
dib u eegno taariikhda, wixii la soo maray
sidii loo soo maray waa muhiim, wixii lagu
fashilay iyo sababta loo fashilmay waa
muhiim, heerka aanu maanta marayno waa
mid ku dayasho mudan, inkastoo aanu nahay
bini aadam haddana waxaa nagula tilmaamay in aanu nahay dalka ugu musuq maasuqa badan, sababtoo ah taas ayaanu iskula
dar-daaranay, oo waxaa la leeyahay, muxuu
ka qabsaday, muxuu u qabtay beeshiisa? taas
ayaa keenaysa in nagula sheego dalka ugu
musuq maasuqa badan.
Hase ahaatee Sannadyahow cusub, waxaa
nagala qeyb qaadataa sidii aanu u bur burin
lahayn musuq maasuqa, kaasoo hareeyay
min hoos iyo kor, taas darteed sannadyahow cusub, waxaa hortaada ah wax badan,
anagana waxaa horteeda ah dadaal badan
iyo wax qabad sanka isku hayo, anagoo ka
gudbayna buun buunintii qabyaaladda iyo ku
salayntii dowladnimo, halkaas waaye halka
ay musuq maasuqyadu ka soo faruurmaan,
inta ay qabyaalad jirto daan daansi ma istaagi doono, can cantuubsi aan xaq ahayn ma
istaagi doono, sharci ku tumasho ma is taagi
doono, deris ma badbaadi doono.
Si arrimahaasi loo saxo, waxaa muhiim ah
iyadoo waliba 9-kii December laga dhigay
maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa,
sannadyahow cusub sidee baad nagala qeyb
qaadan kartaa la dagaalanka Musuqa, waayo
waxaa la yiri: “Waa Soomaali mehradeed”
taasoo micneheedu ay tahay xaraan xalaalaysi, taasna Soomaaliya way ka soo horjeesatay hadda iyo wixii ka dambeeya waxaana
loo gudbi doonaa Soomaali oo sharci ku nool
ah iyo sharci ilaaliye, taas ayaa muhiim ah
haddii kale waxaa lagu dhici doonaa maah
maahdii oranaysay: “Ceel ku dumay ninkii
lahaa”.
Waa ayaan darro, in sannadyahow cusub
nala garan wayso dagaalka aan ku hayno
Musuq maasuqa, waxaad nagala shaqaysaa
sannadyahow cusub sidii ay Soomaali isku
bogsiin lahayd, ayna u noqon lahayd dad ka
horeeya dadka oo dhan, isagoo ka caafimaaday cudurradii qabyaaladda iyo musuqa.
Sidee haddaba, sannadyahow cusub isku
kaa halayn karnaa? ma waydiisay su’aalo
badan sannaka sii socda, ma waydiisay waxa
uu Soomaaliya kala kulmay iyo caalamka
intiisa kale, haddaan waydiin oo aadan xuraansan taariikhda labadeenaba way nagu
adkaan doontaa in aanu ka mira dhalino
waayaha adduunka.........
W/Q: Ciise Faarax Maxamed
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 11
11
12 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii
la soo dhaafay 12 December 2015
qeeb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya.
Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo
ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo
Soma Oil & Gas. Kaalmada dhaqaale oo
ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta
Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta
sokeye ee ka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq
geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay
muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani
muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira
“badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed
Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda
ee usbuucii la soo dhaafay.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xarunta Wasaaradda
Batroolka oo la daahfuray, isla markaana Soma Oil & Gas lagala
wareegay Xogta baarista Shidaal, Dowladda oo cusbooneysiisay
Heshiiska WFP, Wasaaradda Boosta & Isgaarsiinta oo heshiis la
saxiixatay Bankiga Horumarinta Afrika, Shirka Madasha Heerka
Sare oo Muqdisho lagu qabtay, Xubnaha Baarlamaanka Koofur
Galbeed oo la dhaariyey,
Horjooge Al-Shabaab
oo isu soo dhiibay
ciidanka
Dowladda,
Xarunta Keyda Dhexe ee
Shidaalka oo la daahfuray, Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis
bilaash ah, Wasaaradda
Caafimaadka
oo
Puntland ku wareejisey
Deeq
Daawo
ah,
Ciidanka oo Afgooye
ka sameeyey Howlgalo
iyo
Dowladda
oo
Xoojineysa Waxqabadka
Hay’adaha iyo Hufnaanta
Maaliyadeed.
Xarunta
Wasaaradda
Batroolka oo la daahfuray, isla markaana
Soma Oil & Gas lagala
wareegay Xogta baarista Shidaal
Waxaa 9kii December 2015 la qabtay xaflad lagu daah furey
xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta, isla markaana
Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista
shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas. Markii ugu horeysay muddo
25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun
ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta
sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha. Isla munaasabaddaas, shirkadda
Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS)
ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay
12 • Dalka Magazine
Dowladda oo cusbooneysiisay Heshiiska
WFP
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Dhiirigelinta Maalgashiga ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii December
2015 si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso
Soomaaliya kadib markii uu idlaaday
waqtiga heshiiskii hore. Wasiirka Arrimaha
Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga
Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka WFP Somalia
Mr. Laurent Bukera ayaa heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho, halkaasoo ay goob
joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Cismsan Cilmi
Guuleed, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed
Cali iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada
hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha beni’aadanimo ee kala
duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku
kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya
Wasaaradda Boosta
& Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Bankiga
Horumarinta Afrika
Wasiir
kuxigeenka
Wasaaradda Boostada iyo
Isgaarsiinta mudane Jamaal
Xasan Ismaaciil oo ay
wehelinayaan Agaasimaha
Guud
ee
wasaaradda
Mudane Axmed Xaaji Cabdi
iyo saraakiil ka kala socda
Wasaaradda Maaliyadda iyo
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha
ayaa magaalada Nairobi
heshiis kula saxiixdey
Bankiga Hormarinta Afrika.
Heshiiskan ay wasaaraddu la
gashay Bankiga Hormarinta
Afrika ayaa kusaabsan sidii
ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiinta
guud ahaan dalka oo dhan. Heshiiskan oo uu dhanka wasaaradda
u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ayaa ku kacaya $139
Milyan oo ah caawimaad uu Bankiga Hormarinta Afrika ku tala jiro
in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga
gaari lahayd dhanka isgaarsiinta. Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta
ee bangiga Hormarinta Afrika Mr. Nicholos Williams oo u saxiixay
heshiiska dhanka Bankiga ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney
dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta
waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu
bankigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ka soo
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
• 13
yarada ay marin habaabiyeen in ay isaga baxaan fikirka qaldan ee ay
dadka ku marin habaabinayaan.
Xarunta Keyda Dhexe ee Shidaalka oo la daahfuray
kabanaya dhibaatooyinka.
Shirka Madasha Heerka Sare oo Muqdisho lagu qabtay
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa 8dii December 2015 Muqdisho ku soo
gabagabeeyay shirka Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo
Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo
markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada
iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners
Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka. Madashan ayaa noqoneysa
tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada
dalka ka jira. Waxaa madasha looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la
xiriira Hiigsiga Cusub (New Deal). Waxaa shirka lagu soo bandhigay
warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan,
iyo weliba xoojinta
hawlgallada milatariga ee dalka ka
socda. Shirka waxaa
ka soo qeybgaley
Guddoomiyaha
Baarlamanka,
Mudane Maxamed
Cusmaan Jawaari,
Ra’iisul
Wasaare
Cumar Cabdirashiid
Sharma’arke, xubno
ka tirsan labada gole,
madaxda maamullada, diblomaasiyiin
iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.
Horjooge
Al-Shabaab oo isu
soo dhiibay ciidanka Dowladda
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir
Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in nin u dhashay dalka Mareykanka
oo lagu magacaabo Abdimalik John kana tirsanaa Horjoogayaasha
argagixisada Al-Shabaab uu 6dii December 2015 isku soo dhiibay
Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka
Shabeelaha Hoose. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo iyo
bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka ee badbaadiyay
ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi
karaan. Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaabku
ay ku kala qeybsadeen fikirka xagjirka ah ee ay ku doonayeen inay ku
marin habaabiyaan bulshada, ayna iminka kala sheegtaan inay u kala
qeyb sameen ISIS iyo Al-qaacidda, waxaana uu baaq u diray dhallin-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa 7dii December 2015 si rasmi ah Muqdisho
uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen
ganacsato Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo
khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay
tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye
ku burburey maanta dib loo unkay. Shirkadda Somali Fuel Company ee
mashruucan hirgelisayna ayaa fulisay baaqii Madaxweynaha ee ahaa
DALKAAGA DHISO. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay
dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida
inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda,
si ay horumar u gaaraan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la
dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley
hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda
shirkadda Somali Fuel Company.
Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis bilaash ah
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa
sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka
Soomaaliyed ee aragga la’ indhaha loogu fiiqiyo. Wasiiradda ayaa
sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay dhaqaatiir si bilaash ah dadka indhaha ugu fiiqaya, taas oo ay dadku ka wada faa’iideysan karaan. “Qof
walba oo u baahan indhaha in loo fiiqo ha yimaado wasaaradda caafimaadka, waxaan siinayaa warqad waxaana u direynaa meeshii loogu
fiiqi lahaa” ayay tiri Wasiiradu. Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan
uu sii socon doono, oo looga faa’iideyn doono dadka Soomaaliyeed
ee aragga la’, si gaar ah waxaa mahsruucaan uga faa’iideysan kara
dadka waayeelka ah. “Haddii qof aan noo imaan Karin uu jiro, noo soo
sheega waxaan ugu tagaynaa goobtiisa
oo aan ugu fiiqeynaa indhaha” ayay sii
raacisay.
Dowladda
oo
Xoojineysa
Waxqabadka
Hay’adaha
iyo
Hufnaanta Maaliyadeed
Madaxweynaha
Jamhuriyadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa 9kii December
2015 furay shir laba maalmood ah
oo ku saabsan xoojinta waxqabadka
hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed
ee dalka. Madaxweynaha sheegay inay
muhimad gaar ah leedahay in si hufan
loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna
uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal
u tahay in dhidibada loo taago hannaan
dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh
Soomaaliya.Waxaa uu Madaxweynaha
sheegay inay jiraan caqabado isku
wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo, isagoo tusaale u soo
qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib
u soo kabashada dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in si
dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee
bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka. Waxaa uu intaa ku darey in muhiim
ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo
qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga. Madaxweynaha
ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah
ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay,
Wakiilka Bnkiga Adduunka ee Soomaaliya, Hugh Riddle, madaxda
hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan.
W/Q: Liibaan Cabdi Cali
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 13
13
14 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
INDHAHAYGA HORTOODA!!!
aan ee aan iska daayo wax u sheegiddooda, maxaa yeelay
haddii aad sidaas u fekerto waxaad jabisay mid ka mid ah
qawaaaniinta horumarka bulshada aadanaha oo ah ha quusan
xitaa haddii aad saaran tahay gogosha geerida.
Ogoowna ku celcelinta waxa wanaagsan iyo waxa xunba waa
horumarkooda waxa kasta oo xunna waxay ku biloowdaan
xawaare sare wax kasta oo fiicanna waxay ku biloowdaan
xawaare taag daran,macnaha waxaan ula jeedaa cudurka
waxa uu ugu soo boodaa jirka Aadanaha uguna baahaa hal
mar, meesha caafimaadka jirka uu ugu yimaado si tartiib
tartiib ah.
Dad baa ku qayliya Soomaaliya wanaag kama soo socdo
waayo? Haddii lagu yiraahdana waxay la soo boodayaan
qas aan dhamaaaneyn baa lagu jiraa isdil baa jira, waxaa jira
ismaqal la’aan waaxaa taagan weerar aan dhamaad lahayn
maalin kasta, lama maqlayo mas’uuliyiinta sarsare iwm.
Waa run inta ay dadkaasi sheegayaan laakiin inta ay sheegeen ma shacbiga Soomaaliyeed oo kaliya ayaa sidaas ah
mise waa wax aduunka oo dhan ka jira?
Shaki kama noola haddii aad tagtid caasimadaha ay ka
mid yihiin New Yourk, New Delhi, Amisdardam Baaris,
Room,Atena, Bon iyo Baarliinba aad ku arkayso ismaqal
la’aan,is dil, iyo ismoora duug ka badan midka aad uga
jeeddo Soomaaliya, marka walaalka soomaaliyeedoow hano
qon indha ku garaadle ku qanca ama u jeeda canaaha hortiisa
lagu barxayo isla markaana aan dareemayn caanaha meelaha
kale lagu soo barxay.
C/risaaq Axmed Absuge
Wixii muuqda uun bay dadka qaar yiraahdaan: waa wax jira, laakiin
waxaa jira wax badan oo aan kuu muuqan oo haddana jira, lana
inkiri Karin jiritaankooda.
Tusaale: dabaysha sanka laga qaato Ogsijiin waa wax jira,haddana
indhaha laguma arki karo laakiin waxaa lagu dareemaa xawaasta
kale sida sanka iyo jirka intiisa kale. Sidoo kale korontada ama
maayadda waa wax jira oo weliba goyn karta nafta insaanka iyo
naafaha kale haddana laguma arki karo indhaha insaanka, sidoo
kale Ilaaheey, Malaa’igtiisa, Naarta Janada, Nolosha dambe,
Carshiga Kursiga, 7da Sammo, 7da dhul, intaba waa jiraan laakiin
waxaa laga qariyey sida kuwa kale ee aan kor ku soo sheegnay indhaha Banii Aadamka.iyo indho kasta oo uu noole leeyahay.
Haddaba waxaa ayaan darro ah wixii ay indhahaaagu arki waayaan
in aad tiraahdid ma aha wax jira wixii ay indhahaagu arkaana aad
dhahdo waa wax jira,
si kasta arintu ha ahaatee hadalka waxaa loo yiraahdaa halagaa
maqlo, ee looma yiraahdo halagaa yeelo,waxaa laga yaabaa in aad
u careeysan tahay balwadaha Jaan ee ay ku maman yihiin dadka
soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta soo koreeysa,way dhici kartaa
in aad kor u tiraahdid war iska daaya balwadahaan shaydaan ee
adduun iyo Aakhiro idin seejiyay,waa hubaal in lagaa wada maqlo
hadalkaas qiima galka ah,laakiin ma dhici karto in hadalkaas lagaa
wada qaato oo la iska daayo balwadihii, aad la kahatay umaddaada.
Mana habboona in aad niyad jabtid ka dib markii lagaa qaadan
waayo wixii aad ka digeysay oo xumaan iyo balwado ah, oo aad is
dhahdid kuwaan dhago Daanyeer bay leeyihiin waxna ma maqlay-
Bal fiiri dhismaha ka socda dalkaaga, mar kale fiiri sida looga
shaqeeyey nabadgelyada guud, bal Eeg sida ay isugu xirmeen shacabka iyo hay’adaha sirdoonka Qaranka iyo guud ahaan dawladda
uguna wada shaqeeynayaan Amaanka, Eeg wacyi gelinta ka socota
idaacadaha madaxa bannaan iyo tan dawladda soomaaliya, bal Eeg
sida ay isu beddeleen wax kasta 3 sano ka hor sidii ay ahaayeen.
Bal eeg indhahaaga hortooda waxa ka muuqda oo dhan ma been iyo
riyo baa mise waa wada dhab iyo sax.
Ma doonayo in aan kuu sheego wax ku shubasho ah, mana doonayo
in aan kugu qasbo falsafad aan jirin kaliya waxaan doonaya in aad
ii sheegto anna aan kuu sheego wixii ay arkaan indhaheenna oo run
wada ah, laakiin ha inkirin wixii quman oo aad aragto una sheeg
sida aad u aragto iyo qumanaantooda.
Hana ka tagin sheegidda wixii xun adiga oo aan ku sii dardareeynin macnaha aan ka badbadinaynin kaliya ku ekoow xuduudda
hadalkaaga quman iyo aragtida indhahaaga hortooda.
Waa taas ciddii doonaysa horumarka bulshadeeda waana taas sida
wax loo gudbiyo amaba loo sheego markii la doonayo wanaagga
umaddaada.
Haddaba mar kasta ku feker sheegidda wixii fiican oo kaliya iskana
iloow sheegidda ceebaha iyo wixii aan wanaagsanayn oo dhan
sidoo kale iska diid in laguugu shubto wax aan jirin ama laguu
yeeriyo isla markaana sii shegidooda aad ka kasbanayso danbi kuu
hoggaamiya naarta nolosha aduunyada ka dib ugu dambayn ogoow
in xisaabi ay jirto markii la dhinto ka gadaal
W/Q: C/risaaq Axmed Absuge
SOMALI
NATIONAL
TELEVITION
TELEFISHINKA QARQNKQ SOOMAALIYEED
Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed waa mid ka shaqeeya danaha Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna
tabinayaa warbixinno isugu jira, Wacyi gelin, Dhiira gelin, Nabad gelyo iyo warar sugan oo la
xiriira Nidaamka dowladnimo ee dalka.
HA MOOGAAN EE DAAWO WAQTI WALBA
14 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
DHALIISHA DHAQANKA :
• 15
KALA SARREYSIINTA WIILASHA & GABDHAHA
Guurtida Soomaaliyeed, waxaa jira dhaqan u baahan in wax laga weydiiyo kaasoo ku saabsan guurka wiilasha iyo
gabdhaha marka ay hana qaadaan.
Waxaan ognahay in soomaalida marka laga reebo dad yar in
wiilasha marka ay guursanayaan aad loo taakuleeyo qoyskiisuna
waxba uusan kala harin awoodda uu leeyahay iyadoo ay hadda
ku soo cusboonaadeen in meelo aan loo baahneyn qarash lagu
bixiyo aroosyadana lagu tumo , taasoo culeys iyo dhib ku keeneysa taranka iyo guurka danyarta soomaaliyeed raadna aan ku
lahayn diinta islaamka in meelahaas wax lagu tumo ama arooska
lagu ciyaaro meel aan loo baahneyn, waxaa kaloo jirta inaan
gabdhaha iyo wiilkasha isku aabbo uu dhalay inaan gabadha si
aan loo raali gelin wiilka loo raaligeliyay, taasina waxay cuqdad
iyo oof wareen ku reebtay gabdhaha soomaaliyeed iyadoo lagu
yiraahdo maad guursatid nin wax haysta, haddii ay guursato nin
dan yar ah ama qoys sabool ah ka dhashay lagu canaanto loona
caga jugleeyo maxaa kuu geeyay meel uu waalidkaa raalli ka
ahayn, taasina waxay keentaa in ay gabdhaha qaar guur seegaan .
Waxaa kaloo jira kala sarreysiin ay isticmaalaan waalidiinta qaarkood taasoo ah marka ay timaado waxbaarashada ama shaqada waxay yiraahdaan waalidiinta qaar
(wiilka shaqada ii geeya gabari kugu tol maahee!!) sida badan
taasina waxay gabdha ku beertaa murugo iyo xanuun badan
Kala sarreynsiinta caruurta ay dhalaan waalidiinta gabaar iyo wiilba, waa in ay u sinnaadaan xaquuqda guriga, iyadoo aan ognahay gabadhu inay ka howl badan tahay wiilka ayeey haddana kaga dhow yihiin waalidka wiilka.
Haddaba akhristeyaal, iyadoo ay tahay arrintaani mid fogaatay salkana ku haysa dhaqanka , waxaa wax ka weydiineynaa dhaqanka
soomaaliyeed iyo abwaaniinta isla markaana inay wax ka beddelaan
iyadoo aan halkaan lagu soo koobi Karin xaquuqaha gabadhahu
leeyihiin , ayaaba arkeysaa in arrintana ayba ka soo billaabato guriga. Qoysaska qaarkood waxba ma baraan gabdhaha iyagoo aaminsan in ay waxba soo kordhinaynin kuna yiraahda naa wiilasha dharka iigu meyr raashinkana iigu kari adiga gabadh baa tahaye, halkaas
bayna kaga habsaantaa waxbarashada xilligii ay u baahneyd .
haddey noqoto xagga waalidka iyo qaraabada iyo deriskaba intaba.
Waxaa kaloo jira arrin dhabar jab ku ah lamaanayaasha is doortay ee
sharciga isku guursaday ka dibna gabadhii ay dhashay dhowr gabdhood oo isku xig xiga isla markaa odeygii reerka wuxuu ka qaadaa
naxdin iyo anfariir gabdhaa loo dhalay sidii inay ayadu sameyso
ilmaha oo kale ama ay iyada dooratay gabdhaha keliya sababteedana ku yimaadeen waxaana gabadhaas loo bixiyaa magacyo badan
sida gabdho dhashooy, is badiso, hoos madoow iyo kuwo kale
taasoo ah magacyo aysan galabsan gabadhu sinna aysan ku keensan
taasoo qoyska wiilka ka dhashay ay bixiyaan magacyadaas uguna
yeeraan markaas iyagoo weliba ay ka muuqaneyso naceyb iyo weji
dadab halkaa ayeey ku bahdilaan gabadhii sharafta lahayd. owlaaddaas oo ilaaheey siiyay koriskiisa gabadhuna u noqotay tii qoyska
dib u bisha, waalidiinta waxaa laga doonayaa in ay si caddaalad ah
wax u wada baraan carruurtooda iyagoo aan u kala socon lab iyo
dheddig midk ah yihiin, lama oga midka u wax tar badnaan doonee.
Marar badan ayaa la arkay reero wiilkii ay u arkayeen halyeeyga reerka,
uu ka noqday wax matare lagu qasaaray oo ay gabdhuhu ka fiican yihiin
ma maqashay mise booqatay:
DIYAASBARO MENTAL
HOSBITAAL
wuxu malaysan waayay in aan anigu ahay,
Markii aan maqlay, ciwaanka kor ku qoran,
waxaa markiiba maskaxdayda ku soo dhacday in arrintaan cusub in aanu cid kale
abuuri karin, aan ka ahayn Dr. Xabeeb oo
isagu si gaar ah ugu taqasusay
cudurrada dadka dhimirka la,
waxaan ogaa isagoo la daalaa
dhacaya dhallinyaro badan oo
Soomaaliyeed iyo gabdhaba,
kuwaasoo aan arki jiray marka
aan tago xaruntiisa, isagoo la
doodaya waliba qaar ka mid
ah kuwa maskaxda laga galay,
hase ahaatee, waxaan anigu aan
rumaysan waayay in dadkeenii
dibadda u barakacay in kamid
ah ay kusugan yihiin xarunta daawaynta dadka dhimirka
qaba ee Dr. Xabeeb.
Waxaan tegay Xarunta Dr.
Xabeeb ee 21-ka October, isbedel badan bedan in uu jiro ayaan
dareemay, hase ahaatee markii
la iisheegay in uu Xaifiiskiisa ku jiro, ayaan
dul istaagay, kaddibna markuu isoo eegay
saaxiibkiisii hore, laakiin markii aan isqaabilnay kaddib oo aan sheekeysanay ayaan
waxaan weydiiyay: “maxaad ula jeedaa
W/Q: Abwaan Gabeyre.
ayaa isbedalay waana dhab su’aasha aad i
waydiisay, waayo dhallinyaradaasi waxaa laga
kala keenay dalallka Denmark, Sweden iyo
USA” waxaan ku iri: “taas suurta gal maaha,
waayo haddii ay run tahay in dhallinyaro
Soomaaliyeed gabar iyo wiilba oo dibadaha jira
haddii cudurka noocaas ah ee aad ku taqasustay
uu ku dhacay dalalkaasi horumaray ma awoodi
waynin in ay daaweeyaan, laakiin anigu
ma garan karo, sababta Muqdihso loo
keenay oo adiga laguu keenay”.
Taas waa dhab hase ahaatee, Xabeeb
waa nin dadaal badan oo aan daalaynin,
xitaa darmoolay waxa uu ka furay Xarun
cusub oo dadka lagu daaweeyo, waxaa
kaloo layaab leh in uu iisheegay in uu
marayo in Takhaatiirta dibadda qaarkood
ee isoo waydiiyaan mararka qaar cudurrada Qaarkood, waxa aan ku daweeyo,
sannadkaan waxaan hirgeliyay seddax
mashruuc oo waaweyn, 35 arday ayaan
degmada Caabudwaaq tababar dheer
uga furnay, hase ahaatee, maanta iyaga
ayaa gacanta ku haya, Isbitaalka lagu
daaweeyo dadka dhimirka la, sababtoo
ah anagu waxaan xoogga saarnaa in aan
soo saarno dad cusub, oo waxaan fulinaa hadba
DIYAASBARO MENTAL HOSPITAAL” baahida shacabka inta ay la egtahay.
intuu muusooday ayuu yiri: “wax badan
Dr. Xabeeb
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 15
15
16 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Alshabaab oo u kala Jabay
Daacish iyo Al-caaqidda
Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayuu ka dhex taagan
yahay khilaafkii ugu ba’naa intii ay jirtay, ka dib markii ay u kala
jabtay koox taabacsan ururka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya iyo
koox u daacad Alqaacidda.
Waa khilaaf masiiri ah oo khatar ku ah jiritaanka kooxdan argagixisada ah ee Soomaaliya dhibaatada ka wadda.
Horjoogeyaal horay kooxda uga tirsanaa una qaabilsanaa marin
habaabinta da’ yarta, ayaa hadda isaga baxay, oo sheegay in ay
ku biireen kooxda Daacish ee Suuriya. Waxaa horjoogeyaashaas
ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo isaga
iyo maleeshiyo uu hoggaamiyo oo ka goostay Shabaab ay galeen
buuraha Galgala ayna iclaamiyeen in ay wax ay ugu yeereen Beyco
la galeen Abuu Bakar Albaqdaadi, hoggaamiyaha kooxda Daacish.
Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa inay nin lagu magacaabo
Dul Yadeyn oo horay uga tirsanaa Alshabaab, uu isna la goostay
maleeshiyaad badan, uuna ku biiray Daacish.
Horjoogeyaasha ugu sar sarreeya kooxda ayaa la sheegayaa inay
laftoodu ku kala qeybsan yihiin arrintan, waxaana jira rag hoggaanka kooxda ku jira oo u guuxaya ku biirista Daacish oo ay ugu
xilanayaan xoolo iyo xaasidnimada ay bulshooyinka kula kacdo.
Kooxda Shabaab waxay isku dayday inay qariso khilaafka ka
dhex jira ee la xiriira ku biirista Daacish iyo ka sii mid ahaanshaha
Alqaacidda, balse taas way ku hungowday oo si weyn ayuu khilaafku bannaanka ugu soo baxay, markii ay sii kordheen dadka
doonaya in ay Alshabaab iyo Alqaaciddaba isaga baxaan una naq
raacaan dhanka Daacish.
Hoggaanka kooxda ayaa ku khasbanaaday in uu awood ku muquuniyo kuwa doonaya in ay Alshabaab isaga baxaan, waxayna toogteen
maleeshiyaad badan oo Daacish doon ahaa, laakiin waxaa bilowday
iska caabbin ka timid kuwa Daacish doonka ah, waxaana dhacay
dagaallo dhiig ku daatay oo ay labada argagixiso isaga hor yimaadeen meelo kala duwan sida Shabeellaha Hoose, Xudur iyo Jilib oo
ah Xarunta gobolka Jubbada Dhexe.
16 • Dalka Magazine
Dhowr toddobaad ka hor nin Mareykanka u dhashay oo ka tirsanaa
Alshabaab ayaa isu soo dhiibay ciidammada dowladda Soomaaliya
ee sugan Baraawe, ka dib markii uu ka soo cararay Alshabaab
Alqaacidda taageersan. Ninkan oo lagu macaabi Abdimaalik Jones,
waxa uu ka mid yahay kuwa u jidbeysan argagixisada kale ee
Daacish.
Dadka Daacish ku biiray ku jira Waaligii Alshabaab ee magaalada Bu’aale iyo tobaneeyo sarkaal oo la sheegay in ay dhanka
“Dacwada” Marin habaabinta u qaabilsanaayeen kooxda.
Hoggaamiyeyaasha Alshabaab ayaa aad uga carooday tallaabooyinka Daacish doonka ah ee kooxda ka dhex bilowday, waxayna goobaha ay gacanta ku hayaan ka bilaabeen howl gallo ay ku xir xirayaan
maleeshiyaadka loo maleynayo ay Daacish la dhacsan yihiin.
Laakiin dadka wax falanqeeya waxay leeyihiin uma muuqato in
ay taas ku guuleysanayaan, waayo Alshabaab hadda magac ahaan
unbey u jirtaa ee ma lahan awood ay wax ku muquunin karto iyo
dhaqaale ay ku xajisato maleeshiyaadkii ay markii hore soo khaldeen oo hadda bilaabay in ay ka dal doorsadaan markii ay kooxda
baahi iyo dac darro ugu adkeysan waayeen.
Alshabaab, waxaa soo gaaray jab aad u weyn iyo dhaqaale xumo
baahsan, markii ay waayeen gacan ku haynta magaalooyin badan
oo ay dhaqaale ka heli jireen sida magaalooyinka dekadaha leh ee
Baraawe iyo Kismaayo, halkaas oo ay dhuxul sharci darro ah ka
dhoofin jireen, dadkana ka qaadin jireen lacago baad ah oo xad
dhaaf ah.
Alshabaab waxaa horay u ragaadiyay khilaafaad dhexdooda ah oo
keenay in ay iyagu is laayaan. Hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed
Cabdi Godane, ayaa horay u laayay saraakiil sar sare oo kooxda ka
tirsanaa kana mid ahaa aas aaseyaashii kooxda sida ninkii la oran
jiray Ibraahim Afghaan iyo Colhaye oo lagu dilay Baraawe markii
ay Godane ka hor yimaadeen. Sidoo kale waxay kooxdu laysay rag
badan oo ajaanib ahaa oo hoggaanka kula murmay Soomaalida, taas
oo keentay in ajaanibtii kooxda ka tirsanaa ay keymaha galaan, qaarkoodna ay isaba cararaan dalka iyagoo ka baqaya in la dilo.
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
• 17
Sababta ugu weyn ee ay ajaanibta Shabaab ka tirsani ugu biirayaan
daacish waa iyaga oo rumeysan in aysan Soomaalida dhexdooda ku
badbaadi karin, iyagoo wax ka bartay tijaabadii axmed Godane.
labada sarkaalba waxay shirar jaraa’id iyo munaasabado ka sheegeen
in kooxdu banneysatay dhiigga muslimiinta ayna ka been sheegeyso
diinta islaamka.
Horjoogayaal horay uga tirsanaa alshabaab sida Xasan daahir
aways, ayaa kooxda ka soo cararay markii lafahooda loo soo dhigtay.
boqollaal maleeshiyadii alshabaab u dagaallami jiray ah ayaa u dhega
nuglaaday baaqyada nabadda iyo cafiskii dowladda Soomaaliya u
fidisay.
Horjoogihii hore ee kooxda axmed Cabdi Godane waxaa duqeyn
lagu dilay 1-dii September 2014, waxaana la rumeysan yahay in
geerida Godane ay ahayd bilowga dhammaadka kooxda alshabaab,
maadaama uu ahaa milkiilaha kooxda argagixisada ah, uuna isagu
kooxda ku amar ku taagleyn jiray.
dikii Godane ka dib, waxaa duqeymo lagu dilay saraakiil sar sare oo
amniyaadka kooxda hoggaaminayay, kuwaas oo uugu ug dambeeyay
nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sandheere oo toddobaadkii hore
lagu dilay duqeyn diyaaradeed.
duqeymaha cirka ah iyo dagaallada dhexdooda ah ka sokow, waxaa
alshabaab dhabar jab ku noqday saraakiil badan oo muhiim u ahaa
oo ka soo goostay markii ay garowsadeen in kooxdu ka fog tahay diin
iyo dhaqan suubban toona.
Saraakiisha ka soo goosatay waxaa ka mid ah Sakariye ismaaciil oo
ka tirsanaa saraakiisha ugu sarreysa kooxda oo lagu baadi goobayay
lacag dhan 3 milyan oo dollar. Sidoo kale waxaa horay kooxda uga
soo goostay Maxamed Saciid atam oo ahaa wakiilkoodii gobollada
woqooyi bari Soomaaliya.
Waxaa is weydiintu tahay maxay maleeshiyaadka kooxdu ugu biirayaan daacish? Jawaabtu waxay tahay: kooxda waxaa soo food saaray
dhaqaale xumo baahsan , awood yari ciidan iyo khilaafaad daba dheeraaday. intaas oo is biirsaday ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay
ku dhaliyay iyo horjoogeyaal danley ah ku dhaliyay in ay raadsadaan
koox kale oo dhaqaale haysata, kana arxan daran alshabaab.
arrintu diin xiriir lama laha ee waxa dhaqaale raadis iyo aag baddelesho. daacish oo ay nuqul alqaacidda ka tirsan balse ka sii xag jirsan
waxay ka talisaa dhul ballaaran oo Ciraaq iy Suuriya ah, waxayna
boobtay bangiyo ay qaadatay malaayiin dollar, marka horjoogeyaasha Shabaab qaarkood ayaa u arkaya inay dhaqaale heli karaan haddii
ay daacish u galaan.
ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in daacish iyo Shabaab ay
yihiin dameer iyo labadiisa dhegood , ayna ka mideysan yihiin dilka
muslimiinta iyo gaaleysiinta dadka ahlu towxiidka, waxa kaliya ee ay
ku kal duwan yihiin waa labadooda magaca iyo daacish cusub tahay
alqaaciddana duq tahay.
Waa ku waa CIIDAMADA XOOGGA DALKA WAXAY KU
HOWLAN YIHIIN SIDII AY
sii baacsanaya
KU CIRIB TIRI LAHAAYEEN
har iyo habeen
kooxaha
KOOXAHA NABADIIDKA
nabad diidka
ee harsiga u
diiday bulshada
Soomaaliyeed
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 17
17
18 • Dalka Magazine
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
HEEGAN OO SOO TIIGSATAY FIINAALKA
KOOBKA JENERAAL DAA’UUD KADIB
MARKII AY KA ADKAATAY JEENYO
Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa usoo gudubtay kama dambeysta koobka Jeneraal Daa’uud kadib ciyaar adag oo ay la
qaadatay kooxda Jeenyo oo ay ku kulmeen garoonka Banaadir ee
degmada c/casiis.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa usoo daawasho tagay taageerayaashii ugu badnaa ee soo xaadira koobka
Jeneraal Daa’uud.
kulan ciyaareedka
dhexmaray Heegan
iyo Jeenyo ayaa ku
biloowday dardar
xoogan oo ay labada
dhinaca garoonka
lasoo galeyn iyadoo
bilowgii hore ciyaarta ay hogaanka la
wareegtay kooxda
Heegan
markii
daqiiqadii 15-aad
uu gool qurux
badan shabaqa la
helay Kabtan Jabriil
Xasan fariid oo baas
wanaagsan ka helay
xiddiga reer Nigeria
ee No 19-aad u xirta
Heegan
Onuudi
Chebuse waxaana
qaybta hore lagu
kala nastay 1-0 oo
ay Heegan ciyaarta
ku hogaamineysay.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayeey
Jeenyo iska soo guday goolkii lagu lahaa waxaana daqiiqadii
63-aad goolka barbardhaca u ansixiyey ciyaaryahan Xasan Cabdi
18 • Dalka Magazine
nuur Geeseey (Xasaasi) kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 .
daqiiqadii 65-aad ee qeybihii dhexe ee ciyaarta ayaa Heegan
waxaa soo wajahay caqabad weyn markii uu kaarka Cas ka
qaatay kabtan Jabriil Xasan fariid oo qalad ku galay Daafaca
Jeenyo Duufaan balse ciyaartoyda Heegan ayaa muujiyey isku
duubni iyo adkeysi waxeyna taasi kaliftay ineey markale la
wareegaan hogaanka ciyaarta waxaana goolka labaad daqiiqadii
79-aad shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan
Mahad
Muxudiin Xaaji oo ciyarta
ka dhigay 2-1.
Jeenyo ayaa markale soo laba
kacleysay waxaana usuuro
gashay iney markale hesho
goolka barbardhaca waxaana daqiiqadii 89-aad gool
kulaad udhaliyey Xasan
Cabdi nuur (Xasaasi) waxeyna ciyaartu noqotay 2-2.
ugu dabmbeyn ciyaarta ayaa
waqtigii loogu talo galay
kusoo gabagaboowday 2-2
sida uu sharcigu qabo labada
dhinac ayaa lagu kala saaray
gool kulaad kooxda Heegan
ayaana ku adkaatay 7-6
dhanka Heegan waxaa gool
kulaadka ka qasaariyay
Axmed Cabduqaadir Dhayib
halka Jeenyo ay ka qasaariyeen Cabdicasiis Catoosh
iyo Kabtan Axmed tahliil.
Heegan ayaa ciyaarta kama dambeysta ah Jimacada la ciyaari
doonta kooxda Horseed waxaana kulankan loogu yeeraa kulanka
Ciidanka qalabka sida.
W/Q: Xabiib Axmed
Caddadka 2-aad Sannad 1-aad
Dalka Magazine
• 19
Cidina ma mooga kaalintooda
I
Waxay heegan
u yihiin daafaca Dalka iyo
Dadka, Waxayna
har iyo habeen
Baacsanayaan
Kooxaha Nabad diidka ah
naad maqashaa kooxaha nabad diidka ah
ayaa laga xoreeyay degmo heblo, howlgalkii Badweynta Indiya, waa lagu guulaystay iyo kuwo kale oo badan ma aha
wax sahlan, maxaa yeelay Ciidamada
Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa naf iyo
waqtiba ku bixiyay guulahaasi aad maqlayso
oo ay dhegahaaga saacad walba ku dhibcinayaan Warbaahinta gudaha iyo dibaddaba.
Guul walba oo laga soo hooyay kooxaha
nabad diidka ah, waxaa ku naf waaya qaar ka
mid ah ciidamada Soomaaliyeed, kuwaasi oo
naftooda u huraya daafaca dalka iyo dadka
Soomaaliyeed.
U fiirso taatikada Ciidammada sanadba sannadka ka dambeeya waa ay sii koraysaa oo
waxa ay hadda ku dhiiradeen in ay dib uga
xoreeyaan degmooyin aan markii horaba
lagu fikirin in ay tagi doonaan Ciidamada
Soomaaliyeed, degmooyinkaasi oo ay ku
xoogganaayeen Kooxdaas, waxayna arrintaasi beenisay wararkii ahaa in Ciidanka Xoogga
dalka Soomaaliyeed aanu awood u lahayn
in uu gaaro dhulalka ay ku xoogan yihiin
Kooxaha nabad diidka ah.
2011-kii Kooxaha nabaddiidka ah waxa ay
ku sugnaayeen afaafka hore ee Waddada
Maka Al mukarama iyo xitaa qeybo ka mid
ah degmada Boondheere, halkaasi oo ay
ka soo ridi jireen madaafiic ay la soo beegsanayeen Guriga looga arrimiyo Masiirka
ummadda Soomaaliyeed, Nasiib wanaag
waxaa arrintaasi ay ka caraysiisay Madaxdii
Ciidamada Qalabka sida iyo dowladdii KMG
ahayd, waxaana durbadiiba la qaaday howlgal Milleteri oo garba siman ah, oo aakhirkii laga dhaxlay in 6-dii August ee 2011
Kooxdaasi dib looga xoreeyo dhammaan
degmooyinkii iyo goobihii ay ka arrimin
jireen ee ku yaalay Muqdisho.
Waxa uu ahaa howl gal mira dhalay,
Mudqisho dadkii ka bara kacay sanooyin ka
hor ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii,
waxa ayna boorka ka jafeen Muqdisho cusub
oo leh Ciidan suga Ammaankeeda oo har iyo
habeen ku howlan baaritaanno lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Caasimadda.
Shir ay yeesheen Madaxda Ciidamada
Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxay mark
kale lagu dejiyay howl galkii ay ugu yeereen
badweynta Hindiya ee lagaga sifeynayay
kooxda Shabaab meel kasta oo ay ka joogaan
dalka, arrintaasi ma sahlanayn, hase ahaatee,
dareenka iyo dulqaadka ciidanka Xoogga
dalka Soomaaliyeed, iyagoo ka turjumaya
masuuliyadda ay qaadeen oo ah difaaca
dalka iyo dadka, dhab ahaantii waa ay ka
dhabeeyeen go’aankii ay qaateen, waxaana
durbadiiba bilowday howlgalkii lagaga xoraynayay kooxda Shabaab ee la magac baxay
Howlgalkii Badweynta Hindiya, isagiina
waa lagu guulaystay oo waxa ay ciidamadu
gaareen talisyadii ugu waaweynaa kooxda
Shabaab.
Dhamaan howlgalladii looga talagalay dib
u xoreynta degmooyinkii ay ku sugnaayeen
Shabaab waa kuwo mira dhalay oo lagu
guulaystay, Ciidamada waxay goob kasta oo
ay gaareen lagu soo dhawaynayay caleemo
qoyan, waxaana dadka laga dulqaaday koox
qaab gumaysi ah dadka ku maamulaysay
muddo badan.
Howlgallada Ciidanka weli fari kama qodna,
kaalintoodiina waa ay ka soo dhalaaleen
degmooyin iyo tuulooyin badan ayaa hadda
ka nabad qaba cabburintii Shabaab mahaddaasna waxaa leh Ciidanka Xooggga dalka
Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada
AMISOM, sidaa darteed cidina ma mooga
ama ma dafiri karto kaalinta Ciidanka
Xoogga dalka Soomaaliyeed.
W/Q: Cabdirashid Macalin
Dalka
Dalka Magazine
Magazine •• 19
19
KIheyraadka Dalka waa mid badan oo aan looga faa’idaysan sidii loogu tala
galay, Kaluunka ayaa ka mid ah Kheyradka uu Alle noogu deeqay

Similar documents

Shirka Golaha Dhaqanka Caalamak Islaamka oo ka Socda Indonesia

Shirka Golaha Dhaqanka Caalamak Islaamka oo ka Socda Indonesia (OIC) iyo hay’ado horumarineed oo heer caalami ah. Golahan oo taabanaya baahida dadyowga Caalamka, gaar ahaan kuwa Muslimka ah, ayaa waxaa Soomaaliya uga soo qeybgalay wafdi uu hogaaminayay Danjira...

More information

here - IFJ

here - IFJ Abdulkareem Ali Muthna

More information

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas ka ballanqaaday in uu ka shaqayn doono danta ummadda somaliyeed, isagoon ku shaqayn doonin Qabyaalada iyo Eex. Garaad Maxamed Aadan finniin waa shaqsi si weyn looga yaqaano Somalia, waana nin ganac...

More information

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma Illaa iyo 182 dacwadood ayaa laga galin kala badnaanshaha lacagta uu ajaaniibta Afrikaanka ah. Rabshadaha noqdey sababo la xariira Police-ka oo shaqaalenimada ku helayo iyo tan uu waxaa ku dhintey ...

More information