Somaliska

Transcription

Somaliska
Sweden waxay yeelanaysaa
lacag cusub oo waraaqo iyo
qadaadiic/sanuud ah
DA
A
TA !
AG G
C EE
LA
S V E R I G E S
R I K S B A N K
1-karoon
2-karoon
5-karoon
10-karoon
Sweden waxay yeelanaysaa lacag
cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/
sanuud ah
Xilliga 2015 iyo 2016 Swedan waxay yeelanaysaa
lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic ah. Waxa kale
oo aynu yeelan doonaa lacag aan hore u jirin oo
warqad 200-karoon ah. Intaa waxaa dheer iyadoo
aynu dib isku arki doono 2-karoon, kaas oo dib
loo soo celin doono. Lacagta waraaqda ahi waxay
yeelan doontaa macluumaad xog amniga taas oo si
ka fiican looga ilaalin doono faalsada iyadoo kuwa
qadaadiicda/sanuuda ahina ay ahaan doonaan qaar
ka yar oo ka fudud.
Lacagta waraaqaha iyo ta qadaadiicdu waxay soo
kala baxi doonaan laba wareeg: oktoober 2015 iyo
oktoober 2016. Waxaa jiri doona wakhti ay labada
lacagood ee ta hadda jirta iyo ta cusubba ay isla mar
wada shaqeyn doonaan.
Lacagta warqadda ah iyo ta qadaadiicda/sanuuda
ah ee hadda jiraa waxay hadhow noqon doonaan
qaar aan shaqeyneyn (marka laga reebo 10-karoon
oo aan la badalli doonin). Si aanad markaa
khatar ugu galin inaad guriga ku haysato lacagta
waraaqaha iyo ta qadaadiicda/sanuuda ah oo aan
shaqeynayn, hadda wax ku bixi kuwaas ama hadda
ku shubo kontadaada bangiga.
Marka ay gacanta kuu soo gasho lacag waraaqaha
ah ee cusub, dhinac u rog/janjeedhi warqadda si
aad isaga fiiriso inay sax tahay. Waxaa aad markaa
arki doontaa sawir midabkiisa iyo sawirkiisu is
badbadelayaan kaas oo dhaqdhaqaaqaaya isagoo
naqshadihiisuna is badbadelayaan.
Stefan Ingves
Maareeyaha Riksbanken
Sibtembar 2015
Lacagta waraaqda cusub ee Sweden ayaad
[App] kayaga ku eegi kartaa
Waxa loo yaqaanaa ”Kolla pengarna” waxaanad
bilaash uga soo dejisan kartaa App store ama
Google Play.
Lacagta cusub ee waraaqaha
oktoober 2015
1 Oktoober 2015, Bangiga Riksbank wuxuu bilaabi
doonaa inuu soo saaro 20-, 50- iyo 1000-karoon lacag
waraaqo ah oo cusub oo leh naqshad cusub. Intaa
waxaa dheer iyada oo aynu yeelanayno lacag qiimo
cusub leh oo warqad 200-karoon ah. Waxay qaadan
kartaa wakhti ka hor inta ay ku soo galayso lacagta
warqadda ah ee cusub maxaa yeela kuwa hadda jira
ayaa muddo ta cusub la sii shaqeyn doona.
Naqshada xaga hore
Qoraaga Astrid Lingren
Naqshada xaga danbe
Småland, halka ay Astrid
Lindgren ku kortey
Naqshada xaga hore
Gabayaaga, laxameystaha iyo
farshaxanka Evert Taube
Naqshada xaga danbe
Bohuslän, mid ka mid ah
meelaha uu Evert Taube ka
shidaal qaadan jirey
Naqshada xaga hore
Filim soo saaraha
Ingmar Bergman
Naqshada xaga danbe
Gotland (Fårö), meesha
uu guriga ku lahaa
Ingmar Bergman
Naqshada xaga hore
Xoghayaha Qaramada
Midoobey iyo xubin
ka tirsan Svenska
Akademien Dag
Hammarskjöld
Naqshada xaga danbe
Lappland, meesha
uu degaankeeda aad
u xiiseyn jiray Dag
Hammarskjöld
Rog lacagta warqadda – si
aad u hubiso inay sax tahay.
Lacagta waraaqda ah ee cusub waxay yeelan
doontaa macluumaad xog amniga oo ka dhigi doona
inay ku adkaato in faalso laga dhigo. Haddii aad
rogto lacagta warqadda ayaad kantarooli kartaa inay
sax tahay.
Calaamada amniga
Calaaamad gudban oo leh
saddex daaqadood. Daaqadaha
waxaa mid kasta ku jira sawiro
dhaqdhaqaaqaaya oo naqshad
is badbadaleysa leh markaad
rogto lacagta waraaqda ah.
Sawiro midabkoodu
isbadbadelayaan
Sawirka midabkiisu
tartiib tartiib iskugu
badbadelaayo midab
dahabi iyo cagaar
noqonaaya markaad rogto
lacagta waraaqda ah.
Calaamada amniga
Lacagta cusub ee 200- iyo 1000 - karoon ahi waxay
leeyihiin calaamad amniga oo taagan.
• Calaamadu waxay leedahay saddex daaqadood.
• Calaaamad waxa ku yaala sawiro
dhaqdhaqaaqaaya oo markaad rogto naqshad is
badbadaleysa oo u dhaxayso "KR" iyo taash leh.
• Calaamad amnigu waxay ku taalaa xaga bidix
ee sawirka lacagta warqadda xageeda hore.
• Calaamadu waxay leedahay midabo kala
duwan oo qiimaha lacagta warqadda ah.
Sawiro midabkoodu isbadbadelayaan
Lacagta waraaqaha ah ee cusub waxay leedahay
sawir midabkiisu is badbadelaayo oo ku lug leh qofka
sawirka ku yaala. Sawirka waxaa kale oo ku yaala
qiimaha lacagta oo lambaro ah. Sawirka iyo qiimaha
lacagtu tartiib tartiib ayay iskugu bad badeleyaan
midab dahabi iyo cagaar ah markaad rogto lacagta
warqadda. Sawirku waxa uu ku yaalaa xaga midig ee
sawirka lacagta warqadda xageeda hore.
20-karoon lacagta
warqadda
Buug
50-karoon lacagta
warqadda
Doon
200-karoon lacagta
warqadda
Sabuurada filim
qaadisata
1000-karoon lacagta
warqadda
Laan geedka saliid
saytuunka
Lacagta warqadi waxaa kale oo ay leedahay
dhowr macluumaad oo xog amniga. Macluumaad
dheeraadka ah oo taas ku sabsan waxaad ka
helaysa bogga internedka ee Riksbanken:
riksbank.se/kollapengarna
Lacagta warqadda ee aan
shaqeyneyn ka dib 30 Juun 2016
Waxaad sii isticmaali kartaa lacagta warqadda
ee hadda jirta 20-, 50- iyo 1000- karoon ilaa 30
juun 2016 taas oo aad si caadi ah u isticmaali
karto oo aad wax ugu bixiso ama bangiga ugu
shubato. Kadib 30 Juun 2016 ayaan waxba
lagu bixin karin lacagtaa warqadda. Laakiin
waxaad wali haysataa fursada aad ugu shubeyso
koontadaada ilaa iyo 31 Ogosto 2016.
Xasuusnow inaad wakhti fiican ku talo gasho!
Waxaa imaan karta xadidaad bangiga iyo
ganacsatada marka laga hadlaayo qaadashada
kaashka. Wixii macluumaad dheeraad ah u tag
bangigaaga ama dukaankaaga.
31 bisha Agosto 2016 wixii ka dambeeya, bangiga
Riksbank isagoo kharash 100 karoon ah kaa
qaadaaya, uu kuu badalayaa lacagta warqadda
ee aan shaqeyneyn.
Maxay tahay sababta bangiga
su'aalo kuu weydiinayo
Markaad lacagta ku shubaneyso koontada ama
aad sameynayso xisabaadkaaga waa inaad u diyaar
garowdo inaad ka jawaabto meesha ay lacagtu ka
timid iyadoo aad tuseyso aqoonsi shaqeynaaya.
Marmarka qaarkood, bangigu wuxuu u baahan yahay
inuu arko heshiis, risiidh, biilal ama qoraalada kale
ee tusaaya sidaad ku heshay lacagta. Taasi waxay ku
lug leedahay lacag maydhista, ay micnaheedu tahay
inay bangiga masuuliyad ka saaran tahay inuu ogaado
meesha ay lacagtu ka timid.
Kantaroolkan waa in la sameeyo xataa haddii aan
laga shakisneyn wax danbi ah. Ujeedada Sharciga
Lacagta Maydhista waa in laga hor tago in bangiga
iyo shirkadaha kale ee dhaqaalaha loo isticmaalo
lacag maydhista, lacag maydhista waxaa loola jeeda
in lacagta laga helay hababka danbiga loo badalo
lacag lagu shuban karo koontada oo la isticmaali karo.
Sharcigu waxaa uu khuseeyaa dhamaan shirkadaha
dhaqaalaha ee EU-da.
Xataa Riksbanken waxa uu raacayaa Sharciga Lacagta
Maydhista.
Maxaa ku dhacaaya 100 iyo
500-karoon ee warqadda iyo
lacagta qadaadiicda?
Oktoober 2016 ayuu Riksbanken bilaabayaa inuu
soo saaro 100- iyo 500-karoon oo waraaqo ah iyo
mid 1-, 2- iyo 5-karoon oo qadaadiic/sanuud ah.
10-karoon laakin wuu sii joogayaa isagoon waxba
laga badalin.
100- iy 500-karoon ee warqadda iyo dhamaan
qadaadiicda/sanuuda hadda jirta, marka laga
reebo 10-karoon, ayaan shaqeyn doonin ka dib
30 juun 2017.
10-karoon wuu sii jirayaa
isaga oo aan waxba laga
badali doonin.
Macluumaad dheeraad ah oo ku sabsan lacagta warqadda
iyo qadaadiicda ee soo baxayso 2016 iyo kuwa aan
shaqeynaynin 2017 ayaad helaysaa sanadka danbe.
Qadaadiicdaada/sanuudaada
hadda isticmaal
Xasuusnow in dhamaan qadaadiicda marka laga
reebo 10-karoon aanay shaqeynaynin 2017. Haddii
aad haysato lacag qadaadiic ah oo badan, bilow
inaad isla haddaba isticmaasho. Markaas ayaanad
khatar ugu jirin inay kugu hadho qadaadiicdu
markaanay shaqeynaynin. Waxaa imaan karta
xadidaad bangiga iyo ganacsatada marka laga
hadlaayo qaadashada kaashka, markaa ha sugin
ilaa daqiiqada ugu danbeysa!
Macluumaad dheeraad ah
• Bogga internedka ee Riksbanken: riksbank.se/kollapengarna
• Facebook: facebook.com/kollapengarna
• App: Ka raadso "Kolla pengarna" app store ka
telfoonkaaga.
Macluumaadka Riksbanken
Riksbanken waxa weeye bangiga dhexe ee Sweden.
Waxaanu soo saarnaa lacagta waraaqaha iyo qadaadiicda/
sanuuda ah. Waxa kale oo aanu ilaalinaa in lacagtu yeelato
qiimaheedii iyo in lacag bixintu u dhacdo si sugan oo hufan.
Wakhiyada muhiimka
Oktoober 2015
Oktoober 2016
1-karoon 2-karoon 5-karoon
2015
2016
Lacagta warqadda ee
aan shaqeyneyn ka
dib 30 juun 2016
2017
2018
Lacagta warqadda ee
aan shaqeyneyn ka
dib 30 juun 2017
1-karoon 2-karoon 5-karoon
Lacagta waraaqda cusub ee Sweden
ayaad [App] kayaga ku eegi kartaa
Waxaad wax ku baran kartaa lacagta waraaqaha
cusub ee Sweden adigoo isticmaalaya [app]
moobaylka ee Riksbank “Kolla pengarna”. Baro
sida lagu ogaado lacagta waraaqaha ee saxa ah
ama ciyaar ciyaartayada lacagta waraaqaha ah.
[App] waxa kale oo aad ke heli kartaa qoraalkan
yar oo cod ku duuban oo aad ku dhageysan karto
dhowr luqadood oo kala duwan. Barnaamijka
”Kolla pengarna” si bilaash ah ayaad App store ama
Google Play uga soo dejisan kartaa.
Sweden waxay yeelan doontaa lacag
cusub oo waraaqo iyo qadaadiic ah
riksbank.se/languages
S V E R I G E S
R I K S B A N K

Similar documents

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo isuna dheeli tiran aad u nafaqeysato waa in aad fiiro iyo foojignaan gaara u yeelato farsamada waxa aad karinayso ama aad cunayso. • Cunn oo nafaqayso maalin kasta dheefta quddaarta cagaaran, mira...

More information

Bilingual Online Job Seeker Handbook

Bilingual Online Job Seeker Handbook Bdanaaba goobaha shaqa baaristu wexey codsadaan xisaab qofka u gaar ah oo uu ku kaydsado macluumaad kiisa gaarka ah xisaab taas oo leh fure qofka xisaabtaas iska lehkeliya garanayo. 2. Username and...

More information