Somali - Undervisningsministeriet

Transcription

Somali - Undervisningsministeriet
ret&pligt_omslag-somali
09/12/02
16:57
Side 2
Rettigheder
og pligter i
folkeskolen
Xuquuqda iyo
Waajibaadka
Khuseeya Dugsiyada
Hoose/Dhexe
Somali / Soamali
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 3
Hordhac
Dugsiyada hoose/dhexe waxay sare u qaadaan aqoonta ardayda,
hase yeeshee waxay sidoo kale ardada baraan caadooyinka iyo
sharciyada bulshada deenishka, kuwaasoo ay bartilmaameed u
yihiin xorriyad iyo dimoqoraadiyad.
Ardaydu xisadaha ku baran maayaan oo kaliya xorriyad iyo
dimoqoraadiyad, ee howl-maalmeedka dugsiga oo dhami,
wuxuuna ku saleysan yahay caadooyinka sida sinnaan iyo
dimoqraadiyad.
Sida dadwaynaha intooda kaleba xaquuq iyo waajibaadba
dimoqraadiyadda ugu leeyihin, ayaa sidoo kale waalidka iyo
ardayduba dugsiyada hoose/dhexe ugu leeyihiin xuquuq iyo
waajibaad.
Sidaa daraadeed waxaa dhammaan xil ka saaran yahay
horukaca ardayga xag bulsho iyo xag aqooneed intaba waqtiga
iskuulka.
Haddii qof walba ogyahay waxa uu xaq uleeyahay iyo waxa
laga rabo, wuxuu qof walba sidoo kale ogyahay waxa uu qaban
karo iyo waxa laga filayo. Taas ayaana asaas u ah wadatashi
wanaagsan iyo wadashaqayn wax ku ool ah.
Haddaba buuggaan waxaa loogu talagalay inuu gacan ka geysto
sidii waalidiinta iyo iskuulku u wadashaqeyn lahaayeen.
Bogagga ugu dambeeya ee buuggaan waxaad ka akhrisan kartaa
sharciyada dugsiyada hoose/dhexe iyo sidoo kale qoraallo kale
oo horey usoo baxay.
Ulla Tørnæs
3
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 4
Xilka dugsiga
Dugsigu waa inuu u hoggaansanaado sharciyada u yaalla Dugsiyada
Hoose/Dhexe, kuwaasoo ay kamid yihiin, tusaale ahaan in dugsiga
ay waajib ku tahay;
• Inuu waxbarashada usoo diyaariyo qaab tixgelinaaya baahida
arday kastoo uu u qabo dhiirrigelin aqooneed, isla markaasna uu
si habboon uga faa,iidaysan karo.
• U carbinta ardayda xagga wadatashiga, masuuliyadda, xuquuqda
iyo waajibaadka bulsho ku dhisan xorriyad iyo dimoqoraadiyad.
• In waxbarashada loo diyaariyo qaab ku saleysan xorriyadda xagga
maskaxda, sinnaan iyo dimoqoraadiyad.
• Inuu waalidiinta kala shaqeeyo sidii ardayga looga horumarin
lahaa xagga tacliinta iyo shakhsi ahann intaba.
4
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 5
Taasi macnaheedu waa . . .
Waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe waxaa asaas u ah maaddooyinka
iyo waxa ay ka kooban yihiin. Waxbarashada waa in loo soo diyaariyaa
qaab tixgelinaaya baahida arday kastoo uu u qabo dhiirrigelin aqooneed,
isla markaasna uu si habboon uga faa,iidaysan karo. Waana in la tixgeliyo
in carruurtu ay siyaalo iyo xawaaro kala duwan wax u bartaan, isla
markaasna ay baahidoodu kala duwan tahay hadba fasalka kan kasii
dambeeya.
Hadafka shaqada dugsigu waa inuu siiyo ardayda waxbarasho iyo
tarbiyad u diyaarinaysa iney xubno firficoon ka dhex noqdaan bulshada
deenishka. Natiijaduna waa ilaa xad in lugu dadaalo sidii carruurtu
isugu filnaan lahaayeen iyo iney mustaqbal qiimi leh ka dhex helaan
bulshada dimoqoraadiga ah.
Sidaa daraadeed ayey muhiim tahay in ardaydu bartaan;
• Fahmidda waxa loola jeedo heysashada xuquuqda “wadatashi,
masuuliyad, xuquuq iyo waajibaadka bulsho ku dhisan xorriyad iyo
dimoqoraadiyad”.
• Sida loogu dhex noolaado bulsho heysata xorriyadda xagga maskaxda,
sinnaan iyo dimoqoraadiyad.
• Iney si wacan u bartaan dhaqanka deenishka.
• Fahmidda dhaqamada kale.
Waxbarashadu waa iney ku saleysnaato heerka ardaygu uu taagan yahay
iyo heerkiisa horumarineed ee dhabta ah, si ardaygu ugu horumaro sida
ugu wanaagsan xagga aqoonta iyo xag shakhsi ahaaneed intaba.
Wada shaqayn joogto ah oo dhex marta dugsiga iyo waalidiintu waa
mihiim, waayoo taasi waxay qeyb ka qaadaneysaa sidii loogu dadaali
lahaa in ardaydu sida ugu habboon uga faa,iidaysan lahaayeen
waxbarashada dugsiga, taasi waxay kaloo dugsiga u sahleysaa iney
ogaadaan, maxaa ardaygu ku mashquulsan yahay, muxuu ku wanaagsan
yahay, iyo sidee ugu wanaagsan oo ay u baran karaan, ama fahmi karaan
xaaladaha cusub ee soo waajaha. Waaya aqoontaasi way saacidi kartaa
macallimiinta, marka ay diyaarinayaan duruusta. Sidoo kale wada
shaqayntaasi waxay siinaysaa waalidiinta iney wax ka ogaadaan hawl
maalmeedka dugsiga.
Sidaa daraadeed waa muhiim in dugsigu ku dadaalo sidii waalidiintu
uga qayb qaadan lahaayeen kulamada waalidiinta, wada hadallada
dhexmara dugsiga iyo guriga, iyo xarakaadyada kale ee dugsigu ugu
yeero waalidiintu iney ka qayb qaataan.
5
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 6
Masuuliyadda dugsiga
Dugsigu waa inuu:
• Soo bandhigaa waxbarasho ilaa xad buuxineysa hadafka dugsiga
hoose/dhexe.
• Hanan karaa caruurta, taasoo waalidiinta kalsooni u siinaysa inay
uga tagaan caruurta dugsiga.
• Ka wardoono, hadii ardaygu ka maqnaado dugsiga isagoo aan ka
haysan ogolaasho maamulka dugsiga.
• Ugu sameeya guriga waxbarashada lama huraanka ah ardayga,
tusaale ahaan hadii ardaygu jirran yahay muddo ka badan saddex
asbuuc.
• Ku dadaalo in dugsigu hagaagsan yahay.
• La xidhiidho komuunaha hadii maslaxadda ilmuhu ay halis ku
jrto.
6
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 7
Taasi macnaheedu waa…
Dugsi kasta waxaa masuuliyadi ka saaran tahay tayada waxbarashada,
taasoo waafaqsan hadafka dugsiga hoose/dhexe, uuna go,aansado
habeynta iyo isku dubbarididda waxbarashada.
Waa in dugsigu uu ilaaliyaa ardayda xilliyada waxbarashada, nasiinada,
cunteynta, iwm. Xilliyada waxbarashadu waa waqtiga casharradu
socdaan. Waxay noqan kartaa xisadaha jadwalka leh ama waxbarashada
la xariirta booqasho fasalka ka baxsan, ama booqashooyin habeennyo
lagusoo dhexo, iwm.
Dugsigu waa inuu ka wardoonaa haddii ardaygu uu dugsiga ka maqnaado
asagoo aan haysan sabab macqul ah, wuxuuna caadi ahaan dugsigu la
xiriirayaa waalidka. Haddii ay arintaasi sii socoto muddo dheer, wuxuu
kaloo dugsigu arrinta u gudbin karaa Kamuunaha si ay wadajir ugu
ogaadaan sida wax u jiraan. dugsiga waxaa laga maqnaan karaa oo keliya
haddii ogolaasho laga haysato maamulka dugsiga. Ka Maqnaashadu
waxbarashada waxey saabab u noqon karta oo keliya, haddi ey dhacdo
dhacdooyin khuseeya qoyska ama ciidaha diiniga ah, kuwaas oo ku soo
aada waqtiyada dugsigu furan yahay.
Haddii ardaygu jirran yahay in ka badan 3 toddobaad, waa inuu dugsigu
ku dadaalo in ardaygu helo waxbarashada uu u baahan yahay, tusaale
ahaan in guriga wax lugu baro.
Dugsiga waxaa looga baahan yahay in dhamaan ardaydu ku faraxsan
yihiin dugsiga, isla markaasna waxbarashadu ku socotaa si habsami leh.
Taas waxaa kamida ah, tusaale ahaan, in dugsigu wax ka qabto, haddii
arday lugu sameeyo haruufid ama dacaayadeyn.
Ardayda fasallada 3-10aad ee ku xadgudba sharciga u dhigan dugsiga,
wuxuu dugsigu ula dhaqmi karaa sidaan:
• In laga cayriyo waxbarashada muddo toddobaad ah.
• In loo wareejiyo fasal kale oo isla dugsiga ah.
• In loo wareejiyo fasal kale oo dugsi kale ah.
Taasina waxay dhici kartaa oo keliya wada hadal hore u dhex mara
waalidka ardayga iyo dugsiga, amaba dugsigu hore ula socodsiiyey
guriga.
Shaqaalaha dugsiga waxaa waajib ka saaran yahay – sida bulshada
inteeda kaleba (siiba iyaga gaar ahaan) – iney waalidka ku dacweeyaan
kamuunaha, haddii ay ilmaha ka muuqato daryel xumo.
7
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 8
Xuquuqda ardayda
Ardaygu wuxuu sida sharcigu dhigaayo xaq ugu leeyahay:
• Waxbarasho bilaash ah ee dugsiga hoose/dhexe.
• Inuu dhigto dugsiga degmada ( sharciyo gaar ah ayaa khuseeya
waxbarashada gaarka ah iyo fasallada soo dhoweynta.
• Baabuur raac ama nooli sii socod iyo soo socod dugsiga degmada
ama midkale oo ardayga loo diray.
• Waxbarasho dheeraad ah.
• Waxbarid gaar ahaaneed, oo hadba ku xiran baahidiisa.
• baridda luqadda deenishka luqad labaad ahaan.
• baridda afka hooyo (carruurta dadka u dhashay EU iyo EØS iyo
carruurta u dhashay Færøerne iyo grønland).
• Iney samaystaan guddiga ardayda.
• Inay beddelen karaan dugsiga xilliga dugsigu furan yahay.
8
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 9
Taasi macnaheedu waa . . .
Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin waxbarasho dugsiga hoose/
dhexe muddo 200 oo maalmood ah sannadkii.Taasina way khusaysaa xataa
ardayda fasalka 10aad. Ardayda fasalka xanaanada waxaa hoos loo dhigi
karaa maalmaha wax barashada ilaa iyo 195 maalmood.
Dhamaan qalabka waxbarashada ee muhiimka ah waa lacag la,aan. Waalidiinta
lagama qaadi karo kharaj la xiriira waxbarashada caadiga ah, marka laga
reebo kharajyada la xiriira raashinka marka la aadayo safarrada lagusoo
dhexo iyo socdaallada kale.
Caruurta waxaa laga qori karaa dugsiga xaafadda uu deggan yahay ama uu
joogo. Dhamaan caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay wax ku bartaan dugsiga
degmada, kadib markii ay soo dhameystaan waxbarashadii ay kusoo
qaadanaayeen fasalka soo dhoweynta ah ama wax la mida. Waxaa kaloo
suurto gal ah inaad dooratid dugsi kale oo aan kan xaafada ahayn, haddii
dugsigaasi uu diyaar u yahay inuu qaato ardaygaas.
Maamulka degmada waxay bixinayaan baabuur raaca ama nooli ardayda
deggan meel ka fog dugsiga, ayadoo la raacayo sharciga hoos ku xusan ee
khuseeya kala fogaanshaha dugsiga iyo guriga;
• Carruurta fasalka xannaanada iyo fasallada 1-3aad, waa wixii ka badan
2,5 km
• Caruurta fasallada 4-6aad, waa wixii ka badan 6 km
• Fasalladka 7-9aad, waa wixii ka badan 7 km
• Fasalka 10aad, waa wixii ka badan 9 km
Carruurta dugsigu u dhow yahay xaq ayey u leeyihiin baabuur raac, waase
haddii waddada u dhaxaysa dugsiga iyo gurigu khatar u tahay ardayga amase
uu dugsiga ku dhigan karo oo kaliya in loo qaado lagana soo qaado. Maamulka
degmada ayaa xaalad kasta gooni go,aan uga gaaraya. Sharciyada la xiriira
fogaanshaha dugsiga iyo waddooyinka halista ahi waxay khuseeyaan oo kaliya
ardayda deggan degmada dugsigu ku yaal.
Markii arday dugsiga beddesho, wuxuu dugsiga cusubi qiimeynayaa in
ardaygaasi u bahan yahay saacidaad dheeraad ah muddo xaddidan iyo in
kale. Waxaa intaa dheer in dugsigu ka caawin doono casharrada aradayda u
baahan, kuwaasoo jirro daraadeed duruustii uga maqnaan jiray.
Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho gaar ah ama saacidaad
kale oo khaas ah, oo uu baabuur raacu kamid yahay, haddii loo baahdo. Si
loo helo xalka ugu wanaagsan, waxaa talada lagusoo daraa khubarada
tarbiyada iyo cilmi nafsiga, kuwasoo iyaga iyo waalidiinta iyo dugsiguba si
wadajira isula qaadaadhigaan caawimaadda uu ardaygu u baahan yahay.
Intaa dabadeed ayaa maamulka dugsigu go,aan ka gaarayaa sidii loo caawin
lahaa ardayga.
Dugsi kasta oo leh fasalka 5aad iyo wixii ka sarreeya, waxay ardaydu xaq u
leeyihiin iney samaystaan guddiga ardayda.
Ardayda labada luqadood ku hadasha, waxaa la barayaa luqadda deenishka
luqad labaad ahaan hadba heerka ay u baahan yihiin, laga bilaabo fasalka
xannaanada iyo fasalka 1-10aad. Carruurta ku hadasha labada luqadood waa
carruurta afkooda hooyo uusan ahayn af-deenish, kuwaasoo afka deenishka
barta, marka ay billaabaan fasalka xannaanada ama dugsiga. Ardayda u
dhalatay dalalka EU, EØS, Færøerne iyo Grønland waxay xaaladaha qaarkood
xaq u leeyihiin in afkooda hooyo la baro, sida luqadaha færøsk iyo grønlansk.
9
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 10
Xuquuqda waalidiinta
Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin:
• Inay la xiriiraan shaqaalaha, maamulaha iyo guddiga mamulka
dugsiga.
• In si joogto ah loola socodsiiyo xaaladda ardayga inta uu dugsiga
ku sugan yahay.
• Inuu goob joog u aahaado fasalka waxbarashada, haddii waalidka
iyo maamulka dugsiga horay ugu soo heshiiyey.
• Inuu isu soo sharaxo, codkiisana ka dhiibto doorashada guddiga
maamulka dugsiga.
• Inuu u dacwoodo mamulka degmada, haddii uusan ku raacsanayn
maamulka dugsiga go,aan ay ka gaareen caruurtiisa.
• In laga dhagaysto talooyinka ku saabsan shaqada dugsiga.
• In caruurtiisa laga joojiyo qaadashada maddada masiixiga, markuu
codsi soo gudbiyo kadib.
• Inuu caruurtiisa u doorto waxbarasho ka duwan tan dugsiga
hoose/dhexe uu dhigo.
10
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 11
Taasi macnaheedu waa . . .
Dhamaan waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay la xiriiraan
shaqaalaha, maamulka iyo guddiga maamulka dugsiga, haddii ay jiraan
wax su,aalo ah oo la xiriira waxbarashada caruurtooda ama howlaha
dugsiga.
Waalidku waxay xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo, halka xaaladda
caruurtoodu ay marayso, waxa ay ka faa,iidysteen waxbarashada, xag
aqoon ahaan, qof ahaan iyo bulsho ahaanba. Maamulka dugsiga ayaa
go,aaminaya shuruudaha la xiriira waqtiga iyo sida waalidiinta loola
socodsiinayo arrimahaas.
Haddii dugsigu uu leeyahay nidaam ah, in waalidku uu waxbarashada
goob joog ka ahaado, waalidiintu goob joog waa ka noqon karaan,
waase iney hore dugsiga ugala ballamaan waqtiga iyo sida arrintaas loo
fulinaayo.
Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay isu soo sharaxaan ama doortaan
guddiga ka wakiil ah waalidinta iyo kan maamulka dugsiga.
Haddii waalidiintu aysan ku raacsanayn go,aan uu gaaray maamulka
dugsigu ee ku saabsan caruurtooda, waxay xaq u leeyihiin inay u
dacwoodaanmaamulka degmada 4 toddobaad gudahood. Maamulka
degmada ayaana gaaraya go,aanka kama dambeysta ah.
Dhamaan waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan
doodda la xiriirta sidii dugsigu u dabooli lahaa bahiyada kala duwan ee
carruurta iyo waalidiintuba qabaan, lana xiriirta howl maalmeedka
dugsiga.
Barashada masiixiyaddu waa muhiim, sababtoo ah waxay ku saabsan
tahay su,aalo waaqici ah, oo lays waydiiyo, loogana wada munaaqishoodo
masiixiyadda gudaheeda, diimaha kale iyo waxyaabaha kale ee la
aaminsan yahay intaba. Hadafka maaddadu maahan in la qaato
masiixiyadda, ee waa cilmi kororsi oo kaliya. Waalidiintu waxay xaq u
leeyihiin inay caruurtooda ka joojiyaan, haddii ay qoraal ku ballan
qaadaan inay caruurtooda iyagu bari doonaan cilmiga diimaha.
Waalidiintu waxay dooran karaan waxbarasho aan ahayn tan dugsiyada
hoose/dhexe. Si loosoo buuxiyo shuruudaha waxbarashada loo baahan
yahay, waa in waxbarashadu ey ahataa mid u dhiganta waxbarashada
lagu qaato dugsiyada hoose/dhexe. Taasina waxay noqon kartaa, tusaale
ahaan, sida dugsiyada biribaatiga ah ama dowladdaba maamulin.
11
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 12
Shuruudaha dugsigu ka
doonayo walidiinta iyo
carruurta
Carruurta iyo waalidiintu waa:
• Inay ku dadaalaan in waajibkii waxbarashada la fuliyey.
• Inay la shaqeeyaan dugsiga.
• Inay dugsiga usoo gudbiyaan sababta ardaygu uga maqnaaday
waxbarashada.
• Inay qaybtooda ka qaataan masuuliyadda ka saaran habsami u
socodka dugsiga.
12
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 13
Taasi macnaheedu waa . . .
Waxbarashada waajibka ahi waa 9 sano, taasoo macnaheedu yahay in
ilmaha da’doodu tahay 6-7 sano la geeyo dugsiga hoose/dhexe ama
mid kale, oo siinaya waxbarasho u dhaganta tan caadi ahaan dugsiga
hoose/dhexe looga doonaayo.
Ardayda oo dhan waxaa laga doonayaa inay yimaadaan dhamaan
xisadaha waxbarashada fasal kasta oo ay yihiin, haddii aysan jirin
sabab maqnaasho oo macquul ah. Taasina sidoo kale way khuseysaa
fasalka xannaanada iyo fasalka 10aadba, inkastoo labaduba aysan ka
tirsanayn waxbarashada khasabka ah.
Wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa guriga iyo dugsigu waxay
ku saleysan tahay in dhaman waalidiintu si firfircooni ah uga
qaybqaataan wax walba iyo in waaya-aragnimada si sinnaan ah la isu
dhaafsado warbixinnada iyo aragtiyada ku saabsan horukaca ardayda.
Waa muhiim in waalidiinta iyo dugsigu isku aragti ka yihiin waxa
labada dhanac midba midka kale ka sugaayo, lana wada gorfeeyo, sida
ugu wanaagsan ee waalidiinta iyo shaqaalaha dugsigu u wada shaqayn
lahaayeen.
Wada shaqaynta ka dhaxaysa guriga iyo dugsigu aad ayey u ballaaran
tahay, markii laga fiirsho xagga baaxadda iyo qaabkaba, waxayna
khuseyn kartaa wadahadalka u dhaxeeya guriga iyo dugsiga, kulanka
waalidiinta ee fasalka, habeennada laga doodayo mawduucyada ku
saabsan waxyaalaha caadiga sida akhriska, fasalka xarakaadkiisa bulsho,
khamriga, iwm. Laakiin waxay kaloo ahaan kartaa kulamo aan caadi
ahayn, sida telefoon lagu wada xariiro, kulanka dhaca marka caruurta
dugsiga lagaynayo ama ka qayb qaadashada safarrada gaagaaban.
Maamulaha dugsiga wuxuu ogolasho siin karaa ardayga inuu fasax ka
qaato waxbarashada. Sidaas daraadeed ayaa markasta waxaa la rabaa
warbixinta ku saabsan, sababta ardaygu uga maqan yahay waxbarashada.
Dugsigu wuxuu ku xiri karaa ardayga warqad dhakhtar, haddii wax ka
badan laba todobaad uu waxbarashada uga maqnaado jiro darteed.
Waxbarashada iyo nolosha ardayda ee dugsiga maahan oo kaliya
masuuliyad saaran dugsiga kaligii, ee waa mid wada saaran xataa
waalidiinta iyo carruurtaba.
13
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 14
Saameynta walidiinta
Waalidiintu waxay saamayn ku yeelan karaan howl maalmeedka
dugsiga, iyagoo adeegsanaya:
•
•
•
•
•
14
Shaqada guddiga maamulka dugsiga.
Wadahadalka macallimiinta iyo xanaaneeyaasha.
Kulamadda waalidiinta ee fasalka.
Gudiga waalidiinta ee fasalka.
Xafladaha dugsiga, kulamada wargelinta ah ama habeennada
mawduucyada ee loogu tala galay dhammaan waalidiinta iyo
ardayda dugsiga.
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 15
Taasi macanaheedu waa . . .
Guddiga maamulka ee dugsi kasta ayaa ansixinaya mabaadi’da xagga wada
shaqaynta ee dugsiga iyo guriga. Mabaadi’dasi waxay qeexeysaa hadafka
guud ee wadatashiga dugsiga iyo guriga, iyo abaabul bulshadeedka fasal
kasta. Dugsiyada badankood waxay waalidiinta ku martiqaadaan wadatashi
1-2 jeer sanadkii. Ujeedada wadatashigu sidii waalidiinta, macallimiinta iyo
xanaaneeyaashu ay fursad ugu heli lahaayeen iney is tusaaleeyaan aragtidooda
ku saabsan horukaca xagga shakhsiyadda, bulshada iyo tacliinta ee ardayga,
iyo sidii mid kasta uu gacan uga geysan lahaa horumarinta caruurta.
Shir sannadeedka waalidiinta waxay waalidiinta iyo macallimiintu ka doodi
karaan mowduucyada muhiimka ah ee saameeya horukaca fasalka. Waxay
ku saabsanaan kartaa xiriirka fasalku sida uu yahay bulsho ahaan, hadafka,
qaabka iyo nuxurka waxbarashada. Waxaa kaloo ay saameyn kartaa sida loo
horumarin karo xiriirka u dhexeeya waalidiinta iyo macalimiinta.
Dugsiya badan ayaa fasal walba u sameeyey guddiga waalidinta ee fasalka.
Guddiga waalidiinta fasalku waxay macalimiinta fasalka la abaabuli karaan
kulamada waalidiinta, kala munaaqashoon karaan arrimaha guud fasalka
khuseeya, sida tusaale ahaan abaabullada fasalka, abaabullada guud ee ku
saabsan isticmaalka khamriga iyo dembiyada ee caruurta iyo dhallinyarada,
iwm. Sidoo kale wuxuu guddiga waalidiinta ee fasalku carruurta u abaabuli
karaa safarro iyo xaflado. Dugsiga iyo maamulka dugsigaba waxay abaabuli
karaan xaflado kala duwan, kulamada wargelinta ah ama habeenka
mocduucyada ee dhamaan waalidiinta dugsiga. Waxay noqon kartaa
xafladaha dugsiga u caadada ah ee dhammaan ardayda, waalidiinta iyo
shaqaalaha dugsigu isugu yimaadaan. Waxaa kale oo ay noqon kartaa
kulamada guud ee ku saabsan mawduucyada dugsigu rabo inuu kala
munaaqashoodo waalidiinta oo dhan. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa
muxaadarooyin guud oo ku sabsan qiimiga dugsiga, xaaladda caruurta iyo
horumarkooda, ama waxaa uu noqon karaa kulamo looga doodo howl
maalmeedka dugsiga iyo horumarintiisa.
Waalidiintu waxay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan horukaca ardayda,
markii ay ayagu aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda isticmaalaan,
tusaale ahaan noqoshada macallin marti ah, ama ay ka qeyb qaataan
warbixinnada la xiriira waxbarashada, shaqada, iyo suuqa shaqada, iyo in
ey ardayda siiyaan shaqo tababarro shaqo ama laylin.
Waalidiintu si toos ah saameyn uguma yeelan karaan shuruucda iyo
xeerarka guud ee u dhigan dugsiyada hoose/dhexe. Shuruucdaa iyo
xeerarkaa iwm., sidaan ayaa loo dejiyaa:
• Golaha barlamaanka ansixiya shuruucda dugsiyada hoose/dhexe, ee
saameeya dhamman dugsiyada hoose/dhexe oo dhan.
• Wasaaradda waxbarashada ayaa soosaarta shuruuc waajib ah, kuwaasoo
saameeya dhammaan dugsiyada hoose/dhexe oo dhan.
• Degmooyinka iyo maamulka gobollada ayaa dejiya hadafka iyo qaabka
maamulka dugsiyada ku yaal degaankooda iyagoo adeegsanaaya
shuruucda u yaalla dugsiyada hoose/dhexe.
• Guddiga maamulka dugsiga ayaa dejiya mabaadi’da guud ee maamulka
dugsiga.
Maamulka degmada ayaa isna dejiya qaabka iyo jaangoynta guud ee sidii
howlaha dugsiga loo waafajin lahaa shuruudaha u dhigan qawaaniinta
dugsiyada hoose/dhexe. Taas macnaheedu waa, tusaale ahaan in guddiga
maamulka dugsigu dejinaayo mabaadi’da ah sidii xisadaha loogu sameyn
lahaa fasal kasta.
15
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 16
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 17
Tusaaalayaalka
Mowduucyada
ku saabsan wada
shaqeynta Dugsiga
iyo guriga
17
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 18
“Sidoo kale waxaa hore
macallinka ulasoo xiriiray
4 waalidiin ah oo kale, oo rabaan
in carruurtooda loo fasaxo, si ay
waqtiyo kala duwan ee bisha janaayo
dhexdeeda ah, ku soo dalxiisaan
dhulka barafku ka dhaco. Taasi
waxay keeneysaa in waxbarashadu
ka kala go’eyso dhammaan
carruurta fasaxa aadday iyo
kuwii ay wada shaqayn
lahaayeen intaba.”
18
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 19
Maalmaha fasaxyada ama
dalxiisyada ee waqtiga
waxbarashada
Bartamaha bisha Disembar ayaa Line macallinkeeda u keentay buugga
warbixinta oo xariiriya guriga iyo dugsiga, halkaasoo waalidiinta Line ay
ku codsanayaan in Line loo fasaxo toddobaadka ka dambeeya fasaxa
kirismaska, si dhammaan qoysku dalxiis ugu aado buurarka barafka ee
Norway. Macallimaddii waxay buuggii u gaysay maamulaha dugsiga, si
uu go’aan uga gaaro fasaxidda ardaygaas.
Maamulihii wuxuu waydiiyey macalinka inay jiraan wax khaas ah oo
arintaas ku saabsan ama ay ku darayso, waxayna tilmaantay in ardaydu
bilaabayso shaqada mowduuc cusub marka laga soo noqdo fasaxa
kirismaska, oo dhammaan hordhaca mowduucaasina ku aaddan yahay
asbuuca ugusoo horreeya. Taas macnaheedu waxaa weeye in Line ay
dhaafi doonaan warbixinta guud, filim, cashar bixinta macallinka
martida ah iyo booqashooyin intaba. Sidoo kale waxaa hore macallinka
ulasoo xiriiray 4 waalidiin ah oo kale, oo donaaya in carruurtooda loo
fasaxo, si ay waqtiyo kala duwan ee bisha janaayo dhexdeeda ah, fasax
ugusoo qaataan dhulka barafleyda ah. Taasi waxay keeneysaa in
waxbarashadu ka kala go’eyso dhammaan carruurta fasaxa aadday iyo
kuwii ay wada shaqayn lahaayeen intaba.
Sidaa darteed ayaa maamulaha dugsigu wuxuu go’aansaday inuusan Line
fasax siinin, isla markaas dugsigu wuxuu walidiinta Line usoo jeediyey
inay fasaxooda ku beegtaan xilliga fasaxa dugsiga ee qaboobaha.
19
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 20
“Dugsiga (dhowrka habeen)
lugusoo dhexo waa qeyb
kamida waxbarashada, kaasoo
ay ardaydu ka kororsadaan aqoon
iyo waaya’aragnimo dheeraad ah.
Waxaa ardayda wax loo baraa
si habsami iyo kalsooniyi
ku jirto – ayadoo isla
markaana ay macallimiintu
la diyaar yihiin talabixin
iyo ilaalin intaba.”
20
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 21
Dugsiga lugusoo dhexo – waa
qaab waxbarid oo nooc kale ah
Fasalka 6aad iyo macallinkooda ayaa qabanqaabinaya inay aadan
iskuulka lugusoo dhexo. Jasiiradda Fur ayey soo joogi doonaan 3
maalmood. Hadafka safarka dugsiga lugusoo dhexo waa in
ardaydu soo kororsadaan aqoontooda ku wajahan xagga carrada
ama ciidda. Safarkaasi waa inuu dhiirri geliyo u kuurgalka ardayda,
una sahlo iney xuuraamaan oo su’aalo soo jeediyaan, kuwaasoo ay
rabaan inay baaraan, isla markaana ay jawaab u helaan.
Waxay halkaa ku baran doonaan sida lakabyada kala duwan ee
ciiddu ay qarar ama dhoobo ahaan ugu sameysmaan, iyo sida
xilligii barafku u qaabeeyey dabeecadda. Waxay u kuur geli
doonaan sida noocyada ciiddu u kala duwan tahay, waxayna arki
doonaan in si toos ah dhoobo uga soo qaadan karaan duurka, isla
markana ay dib u habeyn karaan ama beddeli karaan. Matxafka
jasiiradda ayay ku arki doonaan dhagxaan lagasoo qoday qararka
dhoobada hoosteeda. Sidoo kale waxay baranayaan in dhulka laga
heli karo macluumaad fara badan oo ku saabsan waayihii hore ee
lasoo dhaafay.
Dugsiga lugusoo dhexo waa qayb kamid ah wax baridda, taasoo
ardayda fursad la taaban karo u siineysa aqoon kororsi iyo waaya
aragnimo. Waxaa ardayda wax loo baraa si habsami iyo kalsooniyi
ku jirto – ayadoo isla markaana ay macallimiintu la diyaar yihiin
talabixin iyo ilaalin intaba.
Warbixinnada ku saabsan cuntada, degaanka iyo jiifka horey ayaa
loo siinayaa waalidiinta, si aysan dhammaantood ay si kalsooni
leh ugu diraan carruurtooda safarka.
21
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 22
“Ujeeddadu waa,
in cid kasta ay mowduuca
guud waaya’aragnimo ka kororsato,
ama ha ahaato shaqada ay iyagu
gaar ahaan u qabanayaan, ama
ha ahaato shaqada dadka
kale qabanayaan.”
22
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 23
Waxbarashada gudaha iyo fasalka
Ardayda fasalka 5aad ayaa baaritaan ku sameynaaya degaankooda.
Waxay soo diyaariyeen dhowr su’aalood oo ay rabaan iney jawaab u
helaan, tusaale ahaan:
• Sideebuu magaalada saameyn ugu yeelaan karaa jidka weyn ee la
qorsheeyey in laga bixiyo magaalada duleedkeeda, yaase go’aamiyey
in jid weyn la sameeyo?
• Sidee ku dhacday in awood dhaqaale loogu hello kaniisad kale,
laakiin aanaan awood dhaqaale loo lahayn garoon ciyaaraha?
Carruurtu waxay isku howli doonaan barnaamijyada ay sida aadka ah
u rabaan iney wax ka ogaadaan. Ka dibna waxay qeexi doonaan sidii
ay su’aalahooda jawaab ugu heli lahaayeen, iyo sidii ay khibraddooda
ugusii gudbin lahaayeen ardayda kale ee fasalka. Ujeeddadu waa, in
cid kasta ay mowduuca guud waaya’aragnimo ka kororsato, ama ha
ahaato shaqada ay iyagu gaar ahaan u qabanayaan, ama ha ahaato
shaqada dadka kale qabanayaan.
Shaqada noocaas ahi howl culus ayey ardayda gelineysaa. Guud ahaan
macallinka ayaa ka masuul ah waxbarashada, hase yeehee ardaydu
tartiib tartiib ayey u baranayaan ka qeyb qaadashada go’aan gaaridda,
iyo iney qaadaan xilka mas’uuliyadda naftooda iyo mid dad kale
intaba.
Waxbarashadu waxay ardayda fursad weyn u siineysaa, iney siyaabo
kala duwan u shaqeyn karaan, isku marna ay fulin karaan qorshooyin
kala duwan. Waxbarashadu waa iney ku saleysnaataa hadba xiisaha,
karaanka iyo heerka horukaceed ee ardaydu ay ku sugan tahay.
23
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 24
“Si kooban ayey
uga wada hadlayaan sidey
waxay u sameyn lahaayeen.
Tartiib tartiib ayeyna u
helayaan talooyin
kala duwan.”
24
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 25
Qubeysasho Ama Meerasho
Hanardi waa murugeysan tahay xisadda jimicsiga kadib. Markii
macallinka jimicsigu waydiiyey waxa ku dhacay, waxay u sheegtay,
in aysan la qubeysan kareyn caruurta kale iyadoo aan dhar qabin.
Si kooban ayey uga wada hadlayaan sidey wax yeeli lahaayeen.
Tartiib tartiib ayeyna u helayaan xalal kala duwan. Tusaale ahaan,
Hanardi waxay isticmaali kartaa qubayska macallimiinta, waxay
qubeysan kartaa 10 daqiiqo ka hor caruurta kale, waxay ku
qubeysan kartaa dharkeeda hoose (waxayna soo qaadan kartaa
kuwa dheraad ah), amase daah ayaa lagu xiri karaa qubeyska
hortiisa?
Macallinka ayaa arrinta kala tashanaaya maamulka dugsiga iyo
waalidka Hanardi. Waxayna isku raacayaan in xalka ugu fiicani
yahay, in qolalka qubeyska lagu rakibo ama lagu xirro daahyo.
25
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 26
“Macallinka waa in loo
sheego waxyaalaha loo
baahan yahay iney ka taxaddarto
xilliga waxbarashada. Waa in loo
sheego noocyada cuntooyinka
loo baahan yahay in laga
feejignaado, iyo noocyada
ay suurgalka tahay in lugu
beddelan karo cunto
dhaqameedyada.”
26
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 27
Barashada howlaha guriga
Marka laga soo laabto fasaxa samarka, ardaydu waxay qaataan xisadda la
xiriirta barashada howsha guriga. Wuxuu macalinku ogsoon yahay iney
fasalka ka jiraan arrimo kala duwan oo tixgelin mudan: Gitte waxay
xasaasi ku tahay waxa loo yaqaan Gluten. Michael diintiisu waxay ka
mamnuucaysaa inuu cuno cuntooyinka ay ku jiraan wax dhiig ah ama ka
yimid. Lene hilibka ma cunto. Babak isaguna ma cuno hilibka doofaarka.
Waxaa lama huraan ah, in maaddada “barashada howsha guriga” looga
tashado kulanka waalidiinta. Macallinka waa in loo sheego waxyaalaha loo
baahan yahay iney ka taxaddarto xilliga baxbarashada. Waa in loo sheego
noocyada cuntooyinka loo baahan yahay in laga feejignaado, iyo noocyada
ay suurgalka tahay in lugu beddelan karo cunto dhaqameedyada. Waana
lama huraan in waalidiintu waaya’aragnimadooda u gudbiyaan
macallimadda si ay waxbarashada ugu jaangoyso qaab tixgelinaaya hadba
baahida arday kasta.
Ballamo kala duwan ayaa lala galay waalidiinta oo ku saabsan mid kasta
wuxuu sameyn lahaa. Gitte hooyadeed waxaa lagu ogyahay, in Gitte
guriga kala timaado alaabta gaarka ah, si ay cuntadeeda iyadu dugsiga ugu
sameysato. Waxaa laga rabaa oo kaliya iney hore u ogtahay waxa ardaydu
sameyn laheyd xilliga xisadda. Babak hooyadiis waxay rabtaa inay ka qayb
qaadato xiisad ardaydu ku sameynayaan cunta carbeed.
Kulankii waxaa lugu gaaray xal lugu wada qanacsan yahay. Waana xal
dhiirrigelinaaya waxbarashada, isla markaana sii kobcinaaya wada
shaqeynta waalidiinta.
27
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 28
Hadafka dugsiyada
hoose/dhexe
Howsha dugsiyada hoose/dhexe waa, iyagoo la kaashanaya waalidiinta,
iney sare u qaadaan barashada ardayda ee xagga aqoonta, khibradda,
qaababka shaqada iyo qaababka gudbinta, kuwaasoo gacan ka geysanaya
horukaca guud ee xagga shakhsiyadda arday kasta.
Dugsiyada hoose/dhexe waa inuu ku dadaalo sidii uu u abuuri lahaa
qaab ey ardaydu ku helaan waaya’aragnimo, nashaad, u dhabba gelid,
iyo in ardaydu ay yeeshaan faham, aragti iyo rabitaan barasho, si ay u
helaan isku kalsooni, oo u yeeshaan waaya’aragnimo ku dhiirrigelisa
go’aan gaarid iyo mid fulin intaba.
Dugsiyada hoose/dhexe wuxuu ardayda baraa dhaqanka deenishka,
wuxuuna qeyb ka qaataa sidii ay u fahmi lahaayeen dhaqamada kale,
iyo xiriirka ka dhexeeya dadka iyo bii’adada. Dugsigu wuxuu ardayda
u diyaariyaa inay ka qeybqaataan wadatashiga, masuuliyada, xuquuqda
iyo waajibaadka bulshado ku dhisan xorriyad iyo dimoqraadiyad.
Waxbarashada dugsiga iyo nolol maalmeedkiisoo dhan haddaba waa
inuu ku dhisnaado xorriyadda xagga maskaxda, sinnaan iyo
dimoqoraadiyad.
Dugsiyada hoose/dhexe waxey masuuliyadooda saarantahay demgada.
Guddiga maamulka degmada ayaa ka masuula in dhamaan carruurta
degmadu helaan waxbarasho lacag la’aan ah ee dugsiyada hoose/dhexe.
Guddiga maamulka degmada ayaa dhiga hadafka iyo qaabka
maamulka dugsiga sida waafaqsan sharciga.
Dugsi kastaa iasgaa masuul ka ah tayada waxbarashada isagoo raacaya
shuruudaha u dhigan ee khuseeya hadafka dugsiyada hoose/dhexe,
isaga ayaana qorsheynaya abaabulka iyo dejinta waxbarashada.
Ardayda iyo waalidiintuba waa inay dugsiga kala shaqeeyaan sidii uu u
buuxin lahaa hadafka dugsiyada hoose/dhexe.
28
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 29
Halkaan waxaad ka akhrisan
kartaa oo kale
Boga wasaaradda waxbarashada (www.uvm.dk) waxaad ka heli kartaa
qoraallo faahfaahsan
Qeybta “Love og Regler (Sharciyda iyo
qawaaniinta)” iyo “Folkeskolen
(Dugsiga Hoose/Dhexe)” waxaa kaloo
aad ka heli kartaa
Bekendtgørelse af lov om folkeskolen (Folkeskoleloven)
Shaaca ka qaadid sida.Bekendtgørelse om formålet med undervisningen i folkeskolens fag og
obligatoriske emner med angivelse af centrale kundskabs- og færdighedsområder
Bekendtgørelse om tilsyn med folkeskolens elever i skoletiden
Bekendtgørelse om befordring af elever i folkeskolen
Bekendtgørelse om foranstaltninger til fremme af god orden i folkeskolen
Bekendtgørelse om valg af forældrerepræsentanter til skolebestyrelser i
folkeskolen
Bekendtgørelse om sygeundervisning for elever i folkeskolen og visse
private skoler
Bekendtgørelse om folkeskolens undervisning i dansk som andetsprog
Bekendtgørelse om folkeskolens modersmålsundervisning af børn fra
medlemsstater i Den Europæiske Union, fra lande, som er omfattet af
aftalen om Det Europæiske Økonomiske Samarbejdsområde, samt fra
Færøerne og Grønland
Bekendtgørelse om folkeskolens specialpædagogiske bistand til småbørn
Bekendtgørelse om faget tegnsprog i folkeskolen
Bekendtgørelse om folkeskolens specialundervisning og anden
specialpædagogiske bistand
29
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
16:58
Side 30
Talo bixin sida.Vejledning om tilsyn med folkeskolens elever i skoletiden
Vejledning om foranstaltninger til fremme af god orden i folkeskolen
Vejledning om ekskursioner, lejrskoler og skolerejser mv. i folkeskolen
Vejledning om folkeskolens indsats over for elever, hvis udvikling kræver
en særlig hensyntagen eller støtte
Qeybta “Udgivelser
(Soo saaridda)”, “Online
publikationer
(Daabacaada khadka furan)”
iyo “Grundskolen (Dugsiga
hoose)” waxaa kaloo aad ka
heli kartaa
Elever der forstyrrer undervisningen for sig selv og andre i folkeskolen.
Redegørelse til Folketinget
Faghæfter om samtlige fag i folkeskolen www.klaremaal.uvm.dk
Handicappede elever i idrætsundervisningen
Heldigvis er vores folkeskole for alle
Læsning – hvordan får vi godt begyndt?
Mobning skal ud af skolen
Skolebestyrelsen – i alt 8 hæfter
Skolebestyrelsesvalg 2001. En håndbog
Skolen og specialundervisning – om at lave individuelle
undervisningsplaner
Tosprogede børn og unge – 4 års skoleudvikling
Undervisning af elever med læsevanskeligheder
Undervisning af elever med synshandicap
Undervisning af elever med tale/sprogvanskeligheder
Kulør på skoleudvikling
30
retpligt-somali.dok 3
09/12/02
20:32
Side 31
Rettigheder og pligter i folkeskolen / Somali
Tegninger: Hasan Güngör
Grafisk tilrettelægning: Schwander Kommunikation
1. udgave, 1. oplag, december 2002: 4.400 stk.
ISBN 87-603-2230-6
ISBN (WWW) 87-603-2232-2
Udgivet af Undervisningsministeriet, Område for grundskole og folkeoplysning
Bestilles (UVM 5-416) hos:
Undervisningsministeriets forlag
Strandgade 100 D
1401 København K
Tlf. nr. 3392 5220
Fax nr. 3392 5219
E-mail: [email protected]
eller hos boghandlere
Tryk: Franzen Offset A/S
Printed in Denmark 2002