Dadka macmiisha ah ee Iswidhan
Transcription
Dadka macmiisha ah ee Iswidhan
Dadka macmiisha ah ee Iswidhan Somaliska Dadka macmiisha ah ee Iswidhan Adigaaga doonaya in aad ogaato qaawaaniinta jirta ee ku saabsan dadka macmiisha ah ee Iswidhan waxaannnu kuu soo ururinnay macluumaad muhiim ah iyo talooyin wanaagsan. Talo iyo caawimo .................................................................................................... 3 Caawinta dadka macmiisha ah ..........................................................................................................3 Macmiisha Yurub ..............................................................................................................................3 Guddida ama hey’adda guud ee eegta haddii khilaaf dhex maro dadka macmiisha ah ee wax iibsanaya iyo ganacsatada ..............................................................................3 Dukaan wax ka iibsashada ................................................................................... 3 Iibka furan .........................................................................................................................................3 Xuquuqda alaab iska baddelidda ......................................................................................................3 Qiimo jebin ........................................................................................................................................4 Dammaanad ......................................................................................................................................4 Caymisy dheeraad ah ........................................................................................................................4 Ka dacwoodka ama dib u soo celinta badeecad lagaa iibiyey oo cilladaysan ..................................5 Qiimayaasha .......................................................................................................................................5 Si kale u iibsashada badeecadda......................................................................... 6 Badeecad ku iibsashada habka Internetka .......................................................................................6 Xuuqquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaab uu qofku iibsaday ........................................6 Talooyin kale oo wanaagsan................................................................................ 7 Baabuur .............................................................................................................................................7 Dabka laydh tiriigga ”korontada”......................................................................................................8 Telefoonka iyo Internetka ..................................................................................................................9 Diididda xayeysiiska...........................................................................................................................9 Deggenaansho .......................................................................................................... 10 Iibsashada guryahaya la badh iibsado ...............................................................................................10 Guurista ..............................................................................................................................................11 Deynta ........................................................................................................................ 12 Haddii aad lacagta bixin weydo ........................................................................................................12 © hey’adda qaabbilsan arrimaha badeecadaha, diisambar 2005 3 Talo iyo caawimo Caawinta dadka macmiisha ah Caawiyaha dadka macmiishu wuxu kaa caawin karaa ● Arrima la xidhiidha xuquuqda aad leedahay iyo waajibaadka ku saaran ● Talooyin iyo tilmaamo ka horreeya iibsashada badeecadaha muhiimka ah ● Arrimo ku saabsan dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ● Ka dacwoodka ogeysiisyo, alaabooyin ama shaqo la qabtay marka aad ku heshiin kari weydaan alaab iibiyaha. talo ku saabsan wax ka iibsashada waddamada ka baxsan xuduudaha Midowga Yurub, ama haddii aad dhibaato kala kulanto alaab aad ka iibsatay waddan ka mid ah waddamada Midowga Yurub. Cinwaanka boosta elektarooniggu waa: info@konsumenteuropa. se, lambarka telefoonkuna waa 08-429 07 80. Cinwaanka bogga Internetkuna waa: www.konsumenteuropa.se Guddida ama hey’adda guud ee eegta haddii khilaaf dhex maro dadka macmiisha ah ee wax iibsanaya iyo ganacsatada Degmooyinka intooda badan waxa ku caawinaya qofka caawiya dadka macmiisha ah iyo qofka dadka kala taliya xagga miisaaniyadda. Waxaad la xidhiidhaysaa degmeda aad deggan tahay. Bogga Internetka waxa jira oo laga helayaa cinwaano, xilliyada furitaanka iyo lambarka telefoonada oo ku hoos yaalla, bogga Internetka ee www.konsumentvagledare.konsumentverket.se Guddida ama hey’adda guud ee eegta haddii khilaaf dhex maro dadka macmiisha ah ee wax iibsanaya iyo ganacsatadu waxay eegtaa oo ay tijaabisaa arrimaha noocan ah ee qofka macmiisha ah iyo alaab iibiyuhu iyagu ay xallili kari waayaan. Badeecadda ama adeegista qiimahoodu waa in uu ka bataa 700 oo karoon. Guddida ama hey’addu ma eegto oo ma tijaabiso arrimaha ku saabsan haddii guri la iibsado. Waa bilaasha haddii arrinta ay soo dhexgasho guddida ama hey’addaas guud ee khilaafaadka xallisha ee loo yaqaan (reklamationsnämnden). Macmiisha Yurub La xidhiidh Macmiisha Yurub si aad uga hesho Cinwaanka Internetkuna waa: www.arm.se Dukaan wax ka iibsashada Iibka furan ”Iibka furan” macnihiisu waxa weeyi: Haddii aad iska qoomamayso oo aad iska rogto alaab aad iibsatay oo aad dooneyso in aad muddo gudaheed dib ugu celiso, kolkaa lacagtaadii dib ayaa laguugu soo celinayaa. Ma jiro qaanuun sheegaya in qofka macmiisha ahi uu xaq u leeyahay in uu iib furan wax ku iibsado, laakiin qaar badan oo ka mid ah dukaamada waaweyn, shirkadaha leh dukaamada badan iyo dukaamada gaarka loo leeyahay ayaa haddana qaanuunkan lagu dabbaqaa. rasiidka ah. Alaabta aad celinaysano dib u celi wakhtiga saxda ah ee dib loo celinayo, taas oo looga jeedo inta aanu dhammaan wakhtiga loo qabaty iibka furani. Alaabta dib loo soo celinayaa waa in ay ahaataa sidii ay ahayd markii aad soo iibsatay. Waxa kale oo weliba uu dukaanku dalban karaa in kartoonka ay alaabtu ku jirato aan la furin si alaabta laguugu badddelo. Haddii aad dooneyso in aad iibka furan wax ku iibsato, waxa wanaagsan in taasi aad codsato ka hor intaa aanad lacagta bixin. Haddii dukaanku kuu oggolaado oo aad arrintaas isku waafaqdaan, ka codso in dukaan iibiyuhu uu sidaasi kuugu qoro warqadda rasiidka ah. Waxa kale oo weliba warqadda rasiidka ah lagu qorayaa taariikhda alaabta dib loo soo celinayo. Qaar ka mid ah dukaamada aan waafaqsanayn ama oggolayn habka iibka furan, waxay taasi halkeedii dadka u samayn karaan in ay dadka alaabta u baddelaan. Taas oo ah in alaabada aad dukaanka dib ugu soo celinayso tu kalena aad dooranayso. Mararka qaarkood waxa lagu siinayaa warqad rasiid ah oo ay ku qoarantahay lacagta dib laguugu soo celinayo haddii aad ka noqonayso alaab aad iibsatay. Inta lacagta aanad bixin, weydii xilliga ay tahay in alaabta aad dib u soo celiso. Had iyo jeer xafid oo kaydi warqadda rasiidka ah. Had iyo jeer waxaad xafidda oo aad kaydisaa warqadda –3– Xuquuqda alaab iska baddelidda Haddii alaabta ay ku taallo Alaab la qiima jebiyey ”reavaror kolkaa lama baddalo” Lama oggola in la baddelo haddii qofku uu ka noqdo alaabtaas. Laakiin haddii alaabta la qiima jabiyey ee aad iibsatay ay wax ka khaldan yihiin dabcan waxaad xaq u leedahay in aad ka dacwooto oo aad dib u soo celiso. Muddada dammaanadda gudaheeda, alaab iibiyuhu wuxu dayactirayaa alaabta, iyada oo aan loo eegin xilligii ay alaabtu jabtay. Umana baahnid in aad caddayso in cilladdu markii hore ee bilowgaba ay jirtey. Lakiin marka muddedda dammaanaddu ay dhammaato, kolkaa waa in aad caddayn kartaa in cilladdu ay jirtey isla bilowgii aad alaabta iibsatay. Qiimo jebin Khasab maaha in aad haysato warqadda rasiidka ah haddii si kale aad u caddayn karayso in alaabta aad dukaanka mar ka iibsatay. Laakiin maaddaama ay tahay adiga qofka caddaynaya arrintaasi, waxa had iyo jeer dhib yar in aad xafiddo oo aad kaydiso warqadda rasiidka ah. Marka qofku uu arko erayada ah ”rea”, rabatt, extrapris, chocpris iyo ”nu”-pris oo dhammaantoodba ah qiimo la jabiyey – erayadaasi waxay qofka ku dhaliyaan in qofku uu fisho in uu helayo soo dhaweyn faa’iido leh. Si dukaanku uu dadka macmiishiisa ah ugu soo jiito erayga ”qiimo jebinta” ee xayeysiisikiisa waa in ● ● ● iibka xayeysiisku uu ahaada muddo xaddidan gudohood badeecadda ama alaabtu ay noqotaa mid qiimaheeda la jebiyey alaabtu ay ka mid tahay badeecadda caadiga ah ee dukaanka taalla. Dammaanad Dammaanadda micnaheedu waxa weeyi in iibiyaha badeecaddu uu ka mas’uul yahay in aalbtu ay fiicnaato ama ay shaqayso muddo gaar ah guaheeda. Marka la tix raaco xeerka khuseeya dadka macmiisha ah ee wax iibsada waxa weeyi in dhammaan wixii cillad ah ee lixda bilood ee ugu horreeya alaabta ku soo baxa ka dib marka la iibsado in laga soo qaadayo oo lagu tirinayo in ay ahayd cillad ay alaabtu hore u lahayd. Haddii cilladaha noocan ahi ay soo baxaan kolkaa qofku wuxu xaq u leeyahay in alaabta loo sameeyo ama alaab cusub la siiyo ama in qiimaha alaabta laga jebiyo. Dammaanaddu waxay khusayn kartaa alaabta oo dhan ama qayb alaabta ka mid ah. Xitaa haddii dammaanaddu aanay khusayn dhammaan alaabta oo dhan waxaad had iyo jeer xaq u leedahay in aad ka dacwooto ama aad dib u soo celiso haddii alaabtu ay cillad leedahay. Dhab ahaan qaanuunku wuxu sheegayaa in dammaanaddu ay tahay muddo lix bilood ah. Kolkaa alaab iibiyaha ayey jirtaa haddii uu bixinayo dammaanad muddo dheer ah. Alaab iibiyuhu uma baahna in uu buuxiyo dammaanad waa haddii cilladdu ay ku xidhan tahay oo qudha tusaale ahaan ● dhacdo shil ah ka dib marka aad alaabta hesho, ● In aanad u isticmaalin si aan caadi ahayn. ● daryeel xumo (alaabta oo aan la daryeelin), ● in aanad raacin oo aanad ku socon tilmaamaha ilaalinta iyo dayactirka alaabta. Marka la tix raaco xeerka khuseeya dadka macmiisha ah ee wax iibsada waxa weeyi waxaad ka dacwoon kartaa cilladda alaabta ku timid muddo saddex sannadood ah ka dib marka aad alaabta iibsato. Xitaa haddii dammaanaddu ay tahay hal ama laba sannadood, muddeda ka dacwoodka ama iska baddelidda alaabtu waa saddex sannadood. –4– Caymisyo dheeraad ah Marka aad alaab iibsanayso sida Tv, fiidiyoo ama kombiyuutar alaab iibiyuhu badanaa wuxu kugula taliyaa in aad saxeexdo oo aad gasho caymis dheeraad ah. Bbadanaa dooddu waxay noqotaa in alaabta dayac tirkeedu uu qaali yahay haddii ay jabto ama xumaato. Laakiin badanaa caymiska dheeraadka ahi waa ganacsi xun: – Badanaa waa in adigu aad go’aansataa haddii aad caymiska isla dukaanka markaas ku galayso oo aad ku saxaeexayso oo klokaas dabdeed aanad dib uga noqon karin. Ka codso in warqaddaas caymiska dheeraadka ah aad guriga u qaadato oo aad si deggan oo nafis ah uga fikirto inta aanad heshiiskaas gelin. Waxa kale oo weliba arrintaasi ay ku siinaysaa fursad aad ku soo ogaato nooca caymiska badbaadada ee immikaba aad ku jirtaa ka uu yahay. – Marka la tix raaco xeerka khuseeya dadka macmiisha ah ee wax iibsada waxaad haysataa muddo saddex sannadood ah in aad kaga dacwooto alaab jabtay ama xumaatay. Haddii aad caddayn karto in alaabtu u jabtay sobob ah cillad ay alaabtu markii hore ee la iibiyeyba ay wadatay, kolkaa bilaash ayaa alaabta jabtay laguugu dayac tirayaa. – Badanaa alaabada waxa lagu iibiyaa hal ama laba snnadood oo dammaanad ah. Muddeda dammaanaddu ay socoto alaab iibiyuhu wuu dayac tirayaa isaga oo aan u eegin markii ay alaabtu jabtay. Umana baahnid in aad muujiso in cilladdu ay jirtey isla bilowgii hore ee alaabada la iibiyey. Laakiin haddii adiga naf’ahaantaadu aad sobob u noqotay cilladda marnaba ma dalban kartid dayactir. Dheeraynta muddeda dammaanadda Caymiskan dheeraadka ahi wuxu noqon kartaa in muddeda dammaanaddu ay dheeraan karto. Kolkaas oo aad helayso badbaado u dhiganta dammaanad muddo dheer ah, laakiin weli ma helaysid wax lacag dayac tir ah haddii adiga naf ’ahaantaadu aad wax u sobob noqotay. ”Caymiska khuseeya haddii dhibaato lama filaan ahi ay timaaddo otursförsäkring” Nooc kale oo caymis ahi waxa weeyi caymiska ku siinaya lacag magdhow ah haddii adiga ama cid qoyskiinna ka mid ah uu tusaale ahaan tiifiigu dhulka kaga dhaco ama uu kaafee kaaga daato badhamada la garaaco ee kombiyuutarka ama ilma yari uu keegga shokolaadda uu geliyo fiidiyowga. Waxa laga yaabaa immikaba in caymiska uu gurigaagu ku jiraa uu yahay caymiska noocani ee dheeraadka ah. Caymiska noocaas ahna waxa lagu magaaci karaa caymiska khatarta oo dhan ”Allrisk” ama caymiska khuseeya haddii dhibaato lama filaan ahi ay timaaddo ee loo yaqaan ”otursförsäkring”. Waxa caymiska dheeraadka ah ee lagu darayo caymiska gurigaagu uu kaga duwen yahay caaymiska kale ee dukaanku kuu soo badhigayo waxa weeyi, in badanaa haddii ay wax dhacaan in adiga naf ’ahaantaaduna aad qayb bixinayso. Iixda bilood ee ugu horreya gudahooda ka dib marka aad alaabta iibsato, ayaa waxa cilladda lagu tiriyaa in markii horeba alaabtu qabtay. Haddii alaab iibiyuhu aanu caddayn karayn in alaabtu bilowgii horeba ay ciiladaysnayd. Marka ay lix bilood tagaan ka dib marka aad alaabta iibsato, waa in adigaaga alaab iibsadaha ahi aad caddayn kartaa in markii horeba cilladdu ay jirtey. Xaqa aad u leedahay in aad ka dacwooto oo aad soo celiso aalaab aad iibsatay wuxu dhammaanaya saddex sano ka dib marka aad qaadato alaabta, waa marka la tix raaco xeerka khuseeya dadka macmiisha ah ee wax iibsada. Muddeda ka dacwoodka iyo dib u soo celinta alaab la iibsaday waxa la dheereeyey 1dii bishii abril sannadkii 2005 tii, waxaana laga dhigay laba ilaa saddex sannadood. Mid ka mid ah faa’iidada ay leedahay caymiska dheeraadka ah ee lagu darayo caymiska gurigu waxa weeyi in caymiskaasi uu khuseeyo inta badan alaabta qoyskiinnu ay guriga ku haystaan, ee aanay ahayn kombiyuutarka iyo tiifiga oo qudha. Alaabta iyo adeegga aad iibsatay ka hor maalintaas waxa weli khusaynaya muddedii hore ee ka dacwoodka iyo dib u soo celinta ee labada sannadood ahayd. Haddaba si aad ugu kalsoonaato oo xuquuqdaadana aanad u waayin: Had iyo jeer hore uga dacwoo dibna u soo celi sida ugu dhakhsaha badan leh wixii alaab ah ee aad ka dacwoonayso! Marka hore waxaad ka war doontaa oo aad soo ogaataa: Qiimayaasha ● ● ● Intee ayey leegtahay muddedda dammaanaddu? Maxaa ka mid ah oo ku jira caymiska guriga? Maxa ka mid ah oo ku jira caymiskan dheeraadka ah? Ma jiro wax qaanuun ah oo go’aaminaya qiimayaasha. Alaab iibiyuhu qiimaha uu doono ayuu siin karaa alaabta uu iibinayo. Alaab iibiyaha iyo alaab iibsadaha ayaa ku heshiinaya qiimaha alaabta. Heshiis ayaa la gelayaa. Qiimaha aad ku heshiisaan adiga iyo alaab iibiyaha ayaa soconaya. … waxa kale oo aad xusuusnaataa: ● ● Dammaanada waa in aanay ku jirin waxa loo yaqaan ”självrisk” oo ah in haddii ay wax dhacaan in adiguna aad qayb lacag ah bixinayso In qofku xaq u leeyahay in uu ka cawdo oo uu dibu soo celiyo alaabta xun muddo saddex sannadood gudahood ah. Ka dacwoodka ama dib u soo celinta badeecad lagaa iibiyey oo cilladaysan Ka dacwoodka ama dib u soo celinta badeecad lagaa iibiyey oo cilladaysan micnaheedu weeyi in aad ogeysiiso iibiyaha alaabta ● in aanad oggolaanayn oo aanad ansaxinayn alaabta ● sobobta ay kuula muuqato in ay alaabta wax ka xun yihiin. Waa in ogeysiis aad ka bixisaa cilladda ”muddo macquul ah gudeheeda” ka dib marka aad ogaato cilladdaas. Laba bilood ayaa had iyo jeer la xisaabiyaa xilli macquul ah. Laakiin wakhtiga macquulka ahi waxa kale oo uu noqon karaa mid ka dheer laba bilood, tusaale ahaan haddii aad bukooto ama aad socdaasho. –5– Marka la tix raaco qaanuunka khuseeya warbixinta qiimayaasha, waxa had iyo jeer la caddeeyaa oo la sheegaa qiimaha ay shirkadi si toos ah uga iibinayso ama ugu xayeysiinayso alaab ama adeeg dadka macmiisha ah, tusaale ahaan boodhadhka daaqadaha, dukaamada, ogeysiisyada iyo xayeysiisyada tooska ah. Cashuurta dadbani waxay had iyo jeer ku jiraysaa oo lagu darayaa qiimaha. Marka shirkadi ay alaab ka iibinayso shirkad kale oo qudha ayuumbaa la caddaynayaa qiimaha oo aanay ku jirin cashuurta dadbani. Waxa kale oo weliba jiraya is barbardhigga qiimayaasha alaabta waaweyn, gaar ahaan cuntada. Is barbardhigga qiimihu waxa weeyi tusaale ahaan qiimaha halkii kiiloo ama halkii litir. Taasi waxay adigaaga macmiisha ah kuu fududdaynaysaa in aad is barbardhigto qiimaha alaabta ee wershedaha kala duwen. Si kale u iibsashada badeecadda Badeecad ku iibsashada habka Internetka Xuuquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaab uu qofku iibsaday Dhowr talo oo wanaagsan inta aanad alaab ku iibsan habka Internetka. ● Musuqmaasuqyo ayaa dhaca oo soo baxa. Ka shaki badeecadaha uu qiimahoodu aadka u jaban yahay iyo badeecadaha sida cajiibka ah u fiican. ● Akhri dhammaan macluumaadka iibka ku saabsan ee ku yaal bogga Internetka. ● Soo ogow oo soo baadh macluumaadka shirkadda. Ma ku yaallaa ciwaanka shirkaddu, lambarka telefoonku, cinwaanka boosta elektaroonigga ee shirkaddu xayeysiiska ama bogga Internetka ee shirkaddaasi? Waxa fiican in aad la xidhiidho oo aad su’aalaha ku weydiiso telefoon ama boosta elektaroonigga. Shirkadaha aan dhabta ahayn inta badan way adag tahay in la helo. ● Soo ogow oo soo baadh qiimaha oo dhan. Qiimaha ma ku jiraan kharashyada boostu, kharashyada xafiisku iyo kkarashyada cashuurtuba? ● Muddo intee leeg ayey qaadanaysaa alaab keenistu? Way fiican tahay in la ogaado haddii taariikh gaar ah aad dooneyso in alaab laguu keeno. ● Haddii aanay alaabta ku oollin wax ka hadlaya xuquuqda ka noqoshada iyo dib u soocelinta alaabada amase qawaaniinta keenista alaabta, ka fikir arrintaas inta aanad alaabta dalban. 14 cisho ayaa sharci xaq ah in qofku iska rogo oo soo celiyo alaab uu ka iibsday Iswidhan. Lacagi kaagama baxayso haddii alaab aad iibsatay aad ka noqoto oo aad soo celiso. Laakiin dhanka kale marka la eego waxaad bixinaysaa kharashka boosta ee soo celinta. ● Marka aad alaab dalbato had iyo jeer waxaad helaysaa warqada xaqiijin ah. Warqadda xaqiijinta ah waa in ay ku taallaa warbixin ku saabsan xuquuqda ka noqoshada iyo soo celinta alaabta. ● Haddii lacagta aad ku bixinayso kaadhka xisaabta ee loo yaqaan (kontokort): Hubi oo kantarool in tirada lacagta ee xisaabtaada laga jaray ay sax tahay. Waxa jirta khatar ah in lambarka xisaabtaada ee baanku ay gacanta u gasho dad kale oo aan sax ahayn. Haddii ay dhacdo in cidi ay isticmaasho lambarka xisaabtaada baanka, waxaad si degdeg ah ula xidhiidhaa baankaaga ama shirkadda kaadhkaaga samaysa. ● Waxa fiican in aanad lacag hore u sii bixin, waayo waxaad waayeysaa mid ka mid ah waxyaabihii ugu fiicnaa ee aad ku gorgortami lahayd macmiil ahaan U kaadi lacag bixinta waa intaas oo ay laabtu wakhtigeedii ku imayn weydo amase ay wax ka xun yihiine. –6– Maraka dukaan aad alaab ka iibsato ma lihid xuuquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaab uu qofku iibsaday marka la tix raaxo qaanuunka. Haddiise alaab aad boosta ku dalbato oo aad ka ama qof telefoon wax ku iibinaya aad ka dalbato ama xayeysiiska tiifiiga ee wax laga iibsado, ama Internetka ama guriga oo laguugu keeno oo lagaaga iibiyo, waxaad haysataa muddo 14 cisho oo ah xuuquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaabta uu qofku iibsaday marka aad wax ka iibsato waddanka Iswidhan. Alaabta oo aad ku dalbato boosta, telefoonka ama guriga lagaaga iibiyo micnaheedu mararka qaarkood waxa shuruud ah in alaab iibiyuhu uu warbixin cad oo waddax ah kaa siiyo sida aad uga noqon karto ama aad u soo celin karto alaabta aad iibsatay. Kkarashka boosta ee dib u soo celinta alaabta Heshiiska ku saabasn alaabta aad ku dalbato telefoon, boosta iwm: Haddii aad iska rogto oo aad ka noqoto alaab aad iibsatay adiga naf ’ahaantaada ayaa bixinaya kharashka boosta ee dib u soo celinta alaabta. Marka alaabta lagaaga iibiyo guriga iyo telefoon uma baahnid in aad bixiso lacagta boosta ee alaabta dib loogu soo celinayo. Maraka dukaan aad alaab ka iibsato ma lihid xuuquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaab uu qofku iibsaday marka la tix raaxo qaanuunka. Haddiise alaab aad boosta ku dalbato oo aad ka ama qof telefoon wax ku iibinaya aad ka dalbato ama xayeysiiska tiifiiga ee wax laga iibsado, ama Internetka ama guriga oo laguugu keeno oo lagaaga iibiyo, waxaad haysataa muddo 14 cisho oo ah xuuquda ka noqoshada iyo dib u soo celinta alaabta uu qofku iibsaday marka aad wax ka iibsato waddanka Iswidhan. Alaabta oo aad ku dalbato boosta, telefoonka ama guriga lagaaga iibiyo micnaheedu mararka qaarkood waxa shuruud ah in alaab iibiyuhu uu warbixin cad oo waddax ah kaa siiyo sida aad uga noqon karto ama aad u soo celin karto alaabta aad iibsatay Macmiisha Yurub Boosta elektaroonigga: [email protected] lambarka telefoonkuna waa: 08-429 07 80 maalmaha shaqada saacadaha 9-13 bogga Internetkuna waa: www.konsumenteuropa.se Talooyin kale oo wanaagsan Baabuur ■ Haddii aad baabuur iibsanayso waxa jirta macluumaad badan oo ku saabsan talooyin fiican oo aad ka helayso bogga Internetka ee www.bilar.konsumentverket.se Isbarbardhig qiimayaasha oo ha ku qancin in aad eegta uun mid ama dhowr baabuur. Waxayaabo badan ayey ku kala duwanaan karaan laba baabuur oo isku mid ah oo isku nooc ah sida qiimaha iyo muuqaalka fiicnidooda. Haddii aad iibsanayso baabuur baali ah oo gacan labaad ah, waxaad marka hore booqataa bogga Internetka ee: www.begbilguiden.konsumentverket.se Haddii uu jiro baabuur aad ku fikirayso in aad ka iibsato ”Begbilguiden” waxaad is-barbardhigi kartaa in qiimuhu aad sax ugu dhow yahay, sida nooca baabuurku uu uga gudbay markii la mariyey hey’adda hubisa ee kantaroosha hagaasanaanta baabuurta, sida ay yihiin alaabaha baabuurka iyo sida ay baabuurkan ay u arkaan dadka kale ee baabuurkan oo kale lihii. ● Baabuurta sannadkoodu yahay laga soo bilaabo 1989 iyo wixii ka dambeeyey waxay leeyihiin aaladda sifaysa qiiqa baabuurka ee loo yaqaan (katalysator). Eeg oo hubi buugga dayacturka ee baabuurka. Hubi oo kantarool in baabuur iibiyuhu uu run ahaantii baabuurka isagu leeyahay. Wac adegga telefoonka ee ku xidhan diiwaanka baabuurta ee (lambarkiisu yahay: 077-114 15 16, qiimaha wadahadalka). Barbardhig baabuurka baabuurada kale ee la midka ah tusaale ahaan meelaha baabuurta lagu iibiyo ee Internetka iyo baabuurta laysku baddashaba. Inbytesbil Talo ku saabsan iibsashada baabuurta baaliga ah Wakhti fiican qaado. Waxyaabo fara badan ayaad ka faa’ideysaa marka aad baadho seyladda. Seyladda lagu iibiyo baabuurta baaliga ahi wax badan ayey kaga duwen tahay seyladda lagu iibiyo baabuurta cusub. Tusaale ahaan baabuurta la kala xulanayo ayaa aad uga badan. Waxa jira meelo badan oo lagu iibiyo baabuurta baaliga ah. Waxa kale oo weliba baaburta baaliga ah aad ka iibsan kartaa dadka gaarka ah. Ha degdegin Way badan yihiin baabuurta baaliga ahi. Marnaba ayaanu ku khayaamaynin baabuur iibiyuhu oo aanu ku odhan ”waxa jira qof macmiil ah oo maanta gellinka dambe imanaya oo doonaya in uu baabuurka iibsado- laakiin marka hore kuwa kale…” ama ”waxaad helaysaa qiimo gaar ah oo lagaa jebiyo” Dhammaan dadka macmiisha ah ee wax iibsanayaa waxay helaan ”qiimo gaar ah oo laga jebiyo”. Baabuur iibiyaha ayey dantu ugu jirtaa in degdeg aad wax u go’aansato. ■ ● ● Halkaas oo laga helayo intooda badan baabuurta cusub iyo in badan oo ah baaburta baaliga ah ee gacanta labaad ah, halkaas waxaad ka helaysaa noocyo baabuur ah oo ilaa 15 sannadood jirey. ■ Dhowr talo oo aasaas ah: ● Waxa kale oo weliba aad baabuurka barbar dhigi kartaa baabuurta laga iibsado cinwaanka Bilkalkylen, ee cinwaanka bogga Internetka ee www.bilkalkylen.konsumentverket.se Soo eeg baabuurro fara badan Soo baadh seyladda Akhri ogeysiisyada ama xayeysiisyada jaraa’idka ee maalintii soo baxa. Waxa kale oo weliba aad akhriyi kartaa jariidadda loo yaqaan ”Gula Tidning iyo jaraa’idadda kale ee bogagga ay ku qoraan ee ay kaga hadlaan baabuurta ama mishiinada”. Meel kale oo macluumaad fiican aad ka heli kartaa waxa weeyi Internetka. –7– Haddii aad haysato baabuur aad baddalatay oo aad dooneysid in baabuur aad ka iibsato baabuur iibiye, waa in aad ka fikirtaa in baabuur iibiyuha ku takhasusay baabuurka ”noocaaga ah” uu badanaa lacag dheeraad ku bixiyo baabuurta la baddeshay. Wayna dhici kartaa in uu ka jabnaado baabuurta noocyada kale ah. Waxa sidaas oo kale muhiim ah in qofku baadho seyladda baabuurta laysku baddesho ee baabuurka uu iibsanayo seyladdiisa ama qiimihiisa. Haddii aad haysato baabuur gaboobey badanaa waxa fiican in qofku baabuurkaas aan meelaha baabuurta geyn ee uu gaar ahaan u iibiyo. Haddii deyn lagaaga leeyahay baabuurka aad baddalatay kolkaa ma iibin kartid baabuurka ilaa deyntii aad bixiso. Tijaabi baabuurka! Dalbo warqadda warbixinta baabuurka! Marka aad hesho baabuur aad u aragto mid wanaagsan – eeg in la tijaabiyey oo la hubiyey haddii aad gaar ahaan u iibsanayso. Haddii aad ka iibsanayso meelaha baabuurta lagu iibiyo – waa in aad eegtaa in baabuurka laga bixiyey warbixin marka la tix raaco qaanuunka u yaalla hey’adda macmiisha. Eeg in aad hesho koobbi ka mid ah warbixinta guud ee baabuurka ku saabsan haddii baabuurka aad iibsanayso. Waxa kale oo aad weliba. Marka aad baabuurka ka iibsanayso qof gaar ah Haddii baabuur aad ka iibsanayso qof gaar ah- waxaad isticmaashaa warqadda heshiiska lagu galo ee ay leedahay hey’adda qaabbilsan dadka macmiisha ah ee loo yaqaan ”konsumnetverkets köpekontrakt” ee ku taalla bogga Internetka ee www.konsumentverket.se! Dabka laydh tiriigga ”korontada Waxa jira Internetka adeeg fiican oo haddii aad dooneyso in aad eegto qiimayaasha dabka laydh tiriigga ”korontada” waxaana adeeggaas weliba la socda talooyin fiican oo ku saabsan waxa aad samaynayso haddii aad dooneyso in aanad aad u isticmaalin oo aad madhxisato korontada iyo in aan baddesho shirkadda aad ka qaadato dabka laydh tiriigga ama korontada. Waxaad gashaa www.elpriser.konsumentverket.se Haddii aanad lahayn Internet, talooyinkayaga halkan ka akhri: Waxa fiican in labaas shirkadood mid ka mid ah uun aad si xor ah u doorato, dabcan shirkadda ka ganacsata dabka korontada. Shirkadda shabakadda korontada ayaa monopool ku haysata labadeedaas qayboodba.Ta ay tahay shirkadda shabakadda korontada ee aad haysanayso waxay ku xidhan tahay oo sideedaba go’aaminaya meesha aad deggan tahay. Guud ahaan kharashka korontadu waxa weeyi cadadka lacagt ah ee la siiyo shirkadda korontada iyo shirkadda shabakadda korontada oo lagu daro cashuuraha. In si fudud loo baddelo Ma adka in qofka u baddesho shirkad akale oo koronto. Waxaad la xidhiidhi kartaa shirkadda aad dooneyso in aad u baddelato. Shirkaddaas cusub ee aad dooranayso ayaa arrinta baddelaadda wargelinaysa shikaddaadii hore ee shabakadda korontada. Shirkadda shabakadda korontadu waa in ay ogaataa ta ay tahay shirkadda korontada ee aad haysataa si ay warbixin uga bixin karto soo akhrinta inta dab ee aad isticmaashay ee ku taalla saacaddaada korontada, dabadeed ay warbixintaas u gudbin karto shirkadda aad ka iibsato dabka korontada. Qiimaha in muddo ah sii soconaya Haddii qofku naf’ahaantiisu aanu waxba qaban kolkaa shirkadda korontada iibisa (waa shirkadda ka mas’uulka ah khadka kororntada ee magaalo) ayaa doorata qof korontada ka iibsada. Qofka waxa loo oggol yahay in uu galo heshiiska loo yaqaan qiimaha in muddo ah sii soconaya. Qiyaastii had iyo jeer wuu ka qaalisan yahay heshiisyada noocyada kale ee ka jira shirkadaha kale ee la midka ah ee korontada. Hubi oo kantarool xilliga wargelinta heshiis la wada galay uu dhammaanayo Waxyaabo badan ayaad faa’ideysaa Waxa jira sobobo badan oo ay tahay in loo baddalo shirkadaha korontada marka laga yimaaddo madhxinta lacagta. Waxaad ka qayb qaadan kartaa In deegaanku uu noqdo mid fiican, taasina waxay imanaysaa adoo korontada ka qaata meelaha tamarta dhaliya ee dhibaato badan aan ku keenayn deegaanka. Isticmaalka korontada ee guryuhu wuxu qayb muhiim ah ka yahay gebi ahaanba isbaddelka deegaanka. Waxa kale oo weliba la oggol yahay in waxyaabo kalena lagu helo marka la iibsanayo. Heshiisyada qaarkood waxa ku jira adeegyo iyo faa’idooyin kala duwen. Waxay ku saabsanaan kartaa talo bixin la xidhiidha xagga tamarta iyo talo ku saabsan madhxinta tamarta, Laakiin xitaa waxay ku saabsanaan kartaa waxyaabo aan tooska ugu xidhnayn korontada, sida ku soo bandhigga telefoonada, habka Internetka ee loo yaqaan (breband) iyo caymisyada. Hubi oo kantarool xilliga wargelinta heshiis la wada galay uu dhammaanayo ee aad la gashay shirkadda immika aad ka iibsato dabka korontada ka hor inta aanad heshiis la gelin shirkad kale. Xilliga wargelinta heshiis la wada galay uu dhammaanayo ”uppsägningstid” waa muddo bil ah haddii aanad wax kale kula heshiin shirkadda immika aad ka iibsato dabka korontada, tusaale ahaan haddii aad ku heshiiseen qiima go’an muddo gaar ah oo xaddidan. Haddii aad dooneyso in aad hore uga baxdo heshiis aad hore u gashay badanaa waxaad bixinaysaa kharash dheeraad ah. Xitaa ha ka bixin heshiiskaaga immika aad ku jirto inta aanad ogaan muddeda uu dhaqan gelayo heshiis lala galay shirkad cusub oo iibisa dab koronto. Wax qorshayso xilli hore oo munaasib ah Iska baddelidda ama dib ula xaajoodka shirkadda korontada Laakiin way kala duwentahay inta ay leekaanayso korontada aad madhxisan karo marka aad baddsho shirkadda aad ka qaadato dabka korontada, waxyaabaha taasi ay ku xidhan tahayna waxa ka mid ah nooca uu yahay heshiiska aad maanta ku jirtaa iyo inta uu leegyahay isticmaalkaaga korontadu. Guud ahaan kharashka korontada Dejinta seyladda dabka korontadu waxa weeyi in aad heshiis la gashay laba shirkadood: ● shirkadda ka ganacsata dabka korontada – ee iibisa korontada aad isticmaasho. ● shirkadda shabakadda korontada – ee ka mas’uulka ah u soo gudbinta dabka korontada magaalada aad deggan tahay. –8– Waad u baddelen kartaa shirkad kale oo cusub oo iibisa korontada bil kasta kowdeeda. Laakiin waxaad u baahan tahay in aad nidaamsato baddelaadda qiyaastii hal bil ah ka hor. TUSAALE AHAAN: Haddii aad dooneyso in aad iska baddesho shirkad koronto laga bilaabo 1 da bisha jeenaweri, waa in arrintaas aad ogeysiisaa shirkaddaada cusub ee korontada kaa iibinaysa badhtamaha bisha noofambar. Shirkaddaada cusub ee korontada kaa iibinaysaa dabcan waa in ay ogeysiisaa shirkaddaada shabakadda korontada ugu dambayn 30 ka bisha noofambar (hal bil ka hor baddelaadda). Arrintaasi haddii ay dib ugu dhacdo ilaa 1da bisha diisambar ama wakhti ka dambeeya, kolkaa waxa baddelaadda dib loogu dhigayaa ilaa 1 da bisha feeberweri. dhexeeya ee xeer idiin ah adiga iyo shirkadda. Haddii wax dhibaato ahi ay soo baxdo waa in aad eegtaa waxa ku yaalla shuruudaha heshiiska si aad u aragto xeerka la raacayo ee lagu soconayo. Shirkadaha kala duwen ee telefoonadu waxay isticmaalaan shuruudo heshiis oo kala duwen, oo si aad ah ama si yar faahfaahin looga bixiyey. Telefoonka iyo Internetka Internetka waxa jira adeeg fiican marka aad dooneyso in qiimayaasha aad ku ogaato qiimayaasha telefoonka iyo rukumashada Internetka: www.telepriskollen.se Haddii aanad haysan Internet, dhowr talo oo fiican ayaa halkan lagugu siinayaa: Inta aanad shirkad telefoon ka soo furan telefoonkaaga guriga ee joogtada ah, ka fikir sida aad u wacayso iyo goorta aad wacayso: ● Ma waxaad telefoonka dirtaa xilliayada fiidkii iyo xilliyada fasaxyada sida (sabtiyada iyo axadaha) mise waxaad inta badan wacdaa xilliga maalintii? ● Miyaad inta badan wacdaa telefoonka moobiilka? ● Miyaad inta badan wacdaa waddanka dibeddiisa? Waddamadee ayaad wacdaa? ● Miyaad wacdaa wadahadallo gaagaaban oo badan ama yaryar, amase dhaadheer? Eeg oo guda gal sida aad u isticmaasho telefoonkaaga. Dabadeed waxaad barbardhig ku samaysaa qiimayaasha kala duwen ee shirkadaha telefoonada xilliyada kala duwen ee 24 ka saacadood gudahood, cashuurta ay saaraan wada hadalka telefoonka marka la waco waddamada kale ee dibedda, cashuuraha la saaro telefoonka gacanta ee moobiilka, iyo marka telefoonka la soo furanayo waxa qofka looga baahan yahay, in la qaado kharash yar oo joogta ah iwm. Dabadeed qofku wuxu u baahan yahay in uu helo shirkadda sida ugu fiican u waafaqsan markaas sida aad u isticmaasho telefoonkaaga. Dhowr talooyin ah Waxad heli karta shirkad telefoon marka aad wacayso telefoonka waddanka gudihiisa iyo shirkad kale oo ka duwen marka aad wacayso wada hadallada caalamiga ah. Waxa muhiim ah inaad la xidhiidho shirkadda, tusaale ahaan haddii ay kugu timaaddo dhibaato la xidhiidha xagga biilka lagugu soo dallaco ee telefoonka. Hubi oo kantarool in aad heli karto shirkadda inta aanad ku xidhmin shirkad kale oo cusub. Shuruudaha heshiiska badanaa waxa ku yaalla marka iyo sobobha aad uga bixi karto heshiiska aad gashay. Waa in arrintaas aad si taxaddir leh u akhridaa inta aanad heshiis saxeexin. Shuruudaha heshiiska waxa weliba badanaa ku yaalla sobobaha qiimaha loo kordhin karo ama loo dhimi karo. Diididda xayeysiiska Sidan ayaad samaynaysaa haddii aanad dooneyn xayeysiiska: Xayeysiiska cinwaanka lagu soo qaray, Wac shirkadda Sema Group info Data AB lambarka telefoonka :08-738 50 00, Cinwaanka: Box 34101, 100 26 Stockholm, ama SWEDMAs Nix-register, telefoonka: 020-55 70 00. Waxaad ka codsataa in lagaa saaro liiska xayeysiisyada cinwaanada lagu soo qoro ee aanad dooneyn. Waxa kale oo weliba si toos ah aad ula xidhiidh kartaa shirkadda soo dirta xayeysiiska. Xayeysiiska aan cinwaanka qofka lagu soo qorin Boostaada waxaad ku dhejisaa warqad ay ku qoran tahay ”waad mahadsantahay- ma rabo xayeysiin”. Waxa kale oo weliba aad heli kartaa warbixinta bulshada, sida warqaaha lagu soo qoro warbixinta degmeda iyo jaraa’idka ka soo baxa degmeda dhexdeeda oo bilaash ah. Waxa kale oo weliba aad waraaq u qori kartaa shirkadda Nixtelfon, Box 14038, 104 40 Stockholm, waxaanad ka codsataa in lagaa daayo oo aanad doonayn teelefoon wax ku iibinta. Teelefoon wax ku iibinta Wac lambarka telefoonka 020-27 70 00 waxaanad ka cosataa warbixin qoraal ah oo ku saabsan lambarka telefoonka ee Nix, adoo sheegayaa lambarka telefoonkaaga. Warbixinta waxaad ku helaysaa lambar kood ah oo aad isticmaalayso marka aad iswargelinayso. Kolkaas waxaad wacaysaa telefoonka 020-27 80 00 dabadeed sheeg lambarka koodka ee lagu siiyey. Miyaad dooneysaa in aad xannibi karto lambarro gaar ah, tusaale ahaan lambarka 071? Marka hore waxaad hubisaa bal in taasi ay ka suuroobayso shirkaddaas telefoonada. Akhri qoraalka farta yaryar leh ee ku daabacan xagga dambe ee warqadda shuruudaha heshiiska shirkadda Xayeyssiska lagu soo diro boosta elektaroonigga Lama oggola in boosta elektaroonigga xayeysiis loogu soo diro qof diidey oo aan dooneyn xayeysiis noocan ah. Waxaad eegtaa oo aad akhridaa shuruudaha heshiiska ee shirkadda, ee loo yaqaan ”det finstilta” inta aanad heshiis la saxeexan shirkad cusub oo telefoon. Shuruudaha heshiiska waxa lagu go’aaminayaa waxyaabaha idinka –9– Deggenaansho Iibsashada guryahaya la badh iibsado In qofku iibsado guryahaya la badh iibsado oo uu ka mid noqdo ururka ay leeyihiin dadka guryaha badh iibsadaa, micnaheedu waxa weeyi in qofku uu iibsado xuquuqda ah isticmaalidda guri. Guri aad badh iibsatay wuxu noqon karaa guri ka mid ah guryo dabaqyo ah, fiillo, guri xaas ka mid ah guryo si safan u dhisan ee loo yaqaan (radhus) ama guri ka mid ah seked guryo ah ee loo yaqaan (kedjehus). Xubnaha ka midka ah ururka ay leeyihiin dadka guryaha iibsada ayaa wada jir u leh guryaha oo dhan, dhammaan meelaha wada jirka loo leeyahay sida qolalka dharka lagu maydho, hoolalka iyo qolalka qashinka lagu rido, meelaha dibedda ah iyo dhismayaasha kale sida dukaamada, xafiisyada geerashyada baabuurta. Ururka ay leeyihiin dadka guryaha iibsadaa waxay ku socdaan qaanuun gaar ah, waa qaanuunka qaabbilsan ururka ay leeyihiin dadka guryaha iibsada ee loo yaqaan (bostadsrättslagan). Xubin ka noqoshada Maamulka ururka ayaa ansaxinaya oo oggolaanaya xubnaha cusub. Haddii qofka loo oggolaan waayo in uu xubin ururka noqdo arrintasi waxa eegaya guddidda dhex-dhexaadinta iyo jaangoynta kirada guryaha. Wax lacag ahna maaha ee waa bilaash. Ururku cid ma diido karo iyaga oo aan hayn sobobo aad u fiican Tusaale ahaan ururrada ay leeyihiin dadka guryaha iibsada qaarkood waxa leh dadka waaweyn ee waayeelka ah. Laakiin waa mamnuuc oo lama oggola in dadka lagu kala saaro xagga midabka, diinta iwm marka qaanuunka la tix raaco. taban ama afar qaybood, si qofku uu u bixiyo bil kasta ama saddexdii biloodba. Kharashkaasi wuxu ku filnaada oo uu daboolaa kharashyada ururka ee firfircoonida iyo daryeelka dhismayaasha iyo weliba lacagaha dulsaarrada ah iyo qayb-qayb u bixinta lacagaha deynta ah. Lacagat fanka ee loogu talo galay daryeelka iyo hagaajinta Ururku waxa uu ka mas’uul yahay in si joogta ah uu lacag ugu dhigo daryeelka iyo dayactirka dhismayaasha, jaranjaraha, qasabadaha, qashinka iwm. Laakiin lacagtaas fanka ah ee loogu talo galay daryeelka iyo ilaalinta guryhu maaha mid had iyo jeer ku filan, ururro fara badan ayaa lacag amaahiya daryeelkaas guryaha. Guri caymis oo sax ah Dadka guryaha badh iibsadaa waxay kaga duwen yihiin dadka guryaha kiraysta, dadka guryaha badh iibsada waxa saaran mas’uuliyad weyn, Sidaas awgeed caymiska guriga waa in la waafajiyaa arrintaas oo aanay ku koobnaan oo qudha badbaadinta qalabka gurga sida sariiraha iwm ee xitaa caymisku uu khuseeyaa qaboojiyaha caadiga ah iyo qaboojiyaha barafka iyo showladda wax lagu kariyo iwm, iyo muraayadda daaqadda iyo albaabada ku jaba marka tuug soo dhaco, iyo dhaawac yimaadda marka qofku uu isku dayo in isagu uu guriga gashado qasabado, laydh iwm. Sidaas awgeed waxa fiican in qofku uu galo caymiska guriga oo ay la socoto caymiska dheeraadka ah ee guriga la badh iibsaday! Wargelinta heshiis ama shaqo dhammaatay Gurigiiba wuxu leeyahay hal cod Qofka guri badh iibsaday wuxu ka mid yahay oo uu wax ka go’aamin karaan cidda loo dooranayo maalmulka, xisaabiyaha iwm iyo weliba sida loo ilaalinayo gurigaas uu qofku badh iibsaday. Arrimahaasna waxa lagu go’aamiyaa shir sannadeedka ururka. Gurigiiba wuxu leeyahay hal cod. Maamulka Maamulku wuxu ka mas’uul yahay dhaqaalaha ururka sannadka ay hawluhu socdaan, waxaanu eegaa bal in go’aanka xubnuhu ay shirka ku gaadheen la dhaqan galiyo oo lagu socdo. Kharashka Qofka guri badh iibsaday waa in uu bixyaa lacag kharash ah. Badanaa lacagtaas waxa loo kala bixiyaa laba iyo – 10 – Haddii lacagta kharashka aad habsaan ku bixiso, oo si deg deg ah aanad arrinta u saxin, kolkaa waxa dhici karta in lagu siiyo ogeysiis guriga lagaaga saarayo. Kolkaa ururka ayaa guriga la wareegaya oo iibinaya si uu uga helo kharashyadii aan la bixin ee guriga lagu lahaa. Waxa kale oo weliba lagu siin karaa ogeysiis ah in aad ka baxdo guri aad badh iibsatay haddii aad jebiso xeerarka u yaalla ururka, tusaale ahaan qaanuunka ku saabsan ”nadaafadda, nidaamka iyo muuqaalka”. Waxa kale oo weliba ogeysiis guri ka bixis ah lagu siin karaa tusaale ahaan haddii aad haysato xawayaan dab joog ah oo wasakhaynaya guriga, ama aad rabashto ama u hanjabto jaararka. Weliba waa in aad dhowrtaa oo ilaalisaa ka daryeelka guriga ee cid kasta oo ururka ka tirsani ay mas’uulka ka tahay. Laakiin haddii aad ku socoto qawaaniinta, oo aad dhowrto ama ilaaliso daryeelidda guriga isla markaana aad bixiso kharashkaaga kugu soo hagaaga, ma waayi kartid guriga aad badh iibsatay. Guurista Waa iska caadi in khilaaf soo kala dhex galo dadka gaarka ah iyo shirkadaha rara marka dadku ay guurayaan. Haddii aad shirkad dalbato marka aad guurayso, weyddii haddii ay ku dabbaqayaan xeerarka loo yaqaan Bohag 2000 (waa xeerarka guud ee qaabbilsan guuritaanka) Xeerkaas loo yaqaan Bohag 2000 waxa ku jira qawaaniinta hey’adda macmiishu ay kula xaajoon karto shirkadda guursita qaabbilsan. Halkan waxa ku yaalla dhowr tusaale oo ku saabsan waxay ka kooban yihiin. Qiimo joogta ah Marha ugu horraysa waxaad helaysaa qiimo joogta ah. Haddii laguu sheego warxin sheegeysaa qiyaastii qiimaha ugu dhow, waxa lagu siinayaa qiimaha kama dambaynta ah oo aan ka qaalisnayn boqolkiiba 15. Ka noqosho wax la dalbaday Waxa suurtagal kuu ah in aad ka noqoto hawshii aad dirsatay ilaa muddo shan iyo toban cisho ka hor guuritaanka. Haddii muddo dambe oo habsan ah aad ka noqoto waxa jirta xeerar kala duwen oo la go’aamiyey oo sheegaya inta ay leegtahay lacagta aad bixinaysaa. Haddii hawshii aad dirsatay aad ka noqoto xanuun kugu dhacay awgeed, kolkaa xil kaama saarna in aad bixiso lacag magdhow ah. Shirkadda Bohag 2000 waxaad ka helaysaa bogga Internetka ee hey’adda macmiisha, www.konsumentverkets.se (Waxaad baadhaa: Bohag 2000) – 11 – Deynta Haddii aad lacagta bixin weydo Lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay Deyntu si deg deg ah ayey u badataa. Deyn wadata tusaale ahaan sannadkiiba dulsaar ah boqolkiiba labaatan, muddo afar sannadood ah ayey labanlaab noqonaysaa. Haddii qofku xaaladdaas uu waxba ka qaban waayo way ka sii daraysaa uun. Halkan waxaad ku ogaan kartaa waxa si tallaabo tallaabo u dhici kara: Haddii heshiiskiinii ay kutaallo in la bixiyo lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay isla markaas dulsaarkaasina go’an yahay, kolkaa waa sidaas heshiiskiinna ku taalla. Lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay waxa laga soo bilaabayaa maalinta ku taalla heshiiska. Caadi ahaan wuxu dul saarkaasi bilaabmayaa ka dib maalinta kama dambaynta ee lacagta la bixinayo. Mase jiro heshiis ku saabsan qaanuunka dulsaarka. Qaanuunka waxa ku yaalla in qofka lacagta dalbanayaa uu xaq u leeyahay in uu qaado lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay ee loo yaqaan (dröjsmålsränta) muddo hal bil ah ka dib maalinta uu soo diray in lacagtiisii la bixiyo. Badanaa waxa ku yaal heshiiskii deynta inta ay leeg tahay lacagta ay shirkaddu dalbanayso ee ah lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay. Haddii taasi aanay jirin, kolkaa lacagta la dul saaro lacag la bixin lahaa oo habsaanatay waxa la oggol yahay in ay noqoto oo la tixraaco dulsaarka Bangiga qaranka oo lagu daray boqolkiiba siddeed. Maalinta kama dambaynta ee bixinta deynta Waxa ugu horreeya ee dhacaya waxa weeyi qofka deynta kugu leh ayaa kuu soo diraya warqada biil ah oo qaansheegad ah. Taas oo ay ku taallo lacagta aad bixinaysaa inta ay leegtahay iyo goorta iyo maalinta kama dambaynta ah ee adeynta aad bixinayso. Ma jiro qaanuun sheegaya in la sugo in lacagta lagu bixiyo 30 maalmood. Haddiise ay jirto shuruudo lagu heshiiyey oo ku saabsan maalinta kama dambaynta ah ee lacagta la bixinayo kolkaas taas ayaa soconaysa. Heshiisku wuu dhammaanayaa marka dukaanka la xidho. Badnaa heshiisyada lagu heshiiyaa waxay ku qoran yihiin qoraalka xagga dambe kaga qoran warqadda heshiiska ah. Haddii aydaan go’aansan maalinta ugu dambaysa ee lacagta la bixinayo, kolkaa waxaad lacagta bixinaysaa marka alaab iibiyuhu uu codsado lacag bixinta. Haddii lacagta aad ka soo dirayso xisaabta boosta elektaroonigga ama koonto baan, waxa aad loogu kalsoon yahay in aad lacagta bixiso afar cisho ka hor maalinta kama dambaysta ee lacagta la bixinayo. Had iyo jeer waxaad hubisaa in waxa lagaa doonayaa uu sax yahay. Ha oggolaanin dhammaan kharashyada laysku geeyey oo dhan. Ka dalbo in aad aragto waxyaabaha lagaa doonayaa waxa ay ku salaysan yihiin. Kaydi oo xafid dhammaan warqadaha rasiidka ah! Xusuusinta Haddii lacagta xilligii loogu talo galay aad ku bixin weydo, badanaa waxa laguu soo dirayaa warqad xusuusin ah. Qofka lacagta kaa doonayaa wuxu kaa qaadayaa lacag kharash xusuusin ah haddii taasi ay waafaqsan tahay heshiiskiinii aad wada gasheen. Haddii aanad heli karin wax xeer ah oo ku saabsan lacagta kharashka ee xusuusinta, kolkaa waxa fudud in aad weyddiiso cidda warqadda kuu soo dirtay halka ay heshiiska kaga taallo xuquuqda ah in uu qaado lacagta noocan ah. Cidda lacagta kaa dooneysa xil kama saarna in ay soo dirto warqad xusuusin ah, marka laga reebo nooc ka mid ah khasiraadda baabuurrada meel xun la dhogo ee lagu magacaabo kharashka hubibta. Sidaas awgeed waa in adiga naf ’ahaantaadu aad soo baadhaa marka la bixinayo lacagta biilka ee lagugu soo dallacay. – 12 – Ururinta lacagta deynta ah ee dadka ku hadhay Haddii lacagta aad bixin weydo cidda deynta kugu leh naf ’ahaanteeda ayaa kuu soo diraysa warqadda ururinta lacagta deynta ah ee dadka ku hadhay ee loo yaqaan (inkassokrav) ama cidka kale soo wakiilanaysa, badanaa ciddaasi waxay wakiilataa shirkadda ururisa lacagta deynta ah ee dadka ku hadhay, si adiga ay kaaga qaaddo. Warqaddasi ururinta deynta waxa si cad ugu yaalla inta ay leegtahay lacagta deynta ahi iyo lacagta kale ee dulsaarka ah iyo kharashka ku baxa lacag ururinta. Haddii lacagta deynta ah ee lagugu leeyahay aanad bixin karayn, si deg-deg ah ula xidhiidh cidda kuu soo dirtay warqadda deyn bixinta. Waxaa suurtagal ah in la sameeyo qorshe ah sidii lacagta aad qay-qayb ugu bixin lahayd, Badanaana waxa la bixiya lacag kharash ah. Sida ay noqonayso hawsha ururinta lacagta deynta ahi waxay ku taallaa qaanuunka ka hadlaya Ururinta lacagta deynta ah ee dadka ku hadhay ee loo yaqaan (inkassolagen). Marka la tix raaco qaanuunka cidna lama saari karo kharash dheeraad ah dhibaatooyinna looma geysan karo. Hey’adda wax kantaroosha ee loo yaqaan ”Datainspektion” ayaa eegta bal in la raaco oo lagu socdo qaanuunka ku saabsan ururinta deynta. Hey’adda qasab ku ururinta lacagta deynta ee la bixin waayey ayaa arrinta la wareegeysa Haddii deynta lagugu leeyahay aad bixin weydo kadib iyada oo hore laguugu soo diray warqadda deyn ururinta, kolkaa cidda deynta kugu leh ama shirkadda ururisa lacagta deynta ah ee dadka ku hadhay ayaa waxay la xidhiidhayaan Hey’adda qasab ku ururinta lacagta deynta ee la bixin waayey ee loo yaqaan (Kronofogdemyndighet) iyaga oo u gudbinaya codsi ah deg-deg u bixin deymeed. Warqadda deg-deg u bixinta lacagta deynta ahi waa go’aan ka yimaadda hey’adda loo yaqaan (Kronofogdemyndighet) oo muujinaya in lagugu leeyahay oo uu xil kaa saaran yahay in aad bixiso waxa lagaa dalbanayo. Warqadda wargelinta Hey’adda (Kronofogdemyndighet) ayaa kuu soo diraysa warqad aad saxeexayso in aad heshay. Taas ayaa la yidhaa warqadda wargelinta. Warqaddas wargeinta ah waxa ku yaalla inta ay leegtahay deynta lagaa doonayaa. Weli waxad haysataa fursad aad ku bixiso deyntaas lagugu leeyahay. Haddii lacagta aad bixisay waxaad ogeysiinaysaa hey’adda (Kronofogdemyndighet). Haddii aad sobob keeni weydo ama aad soo jawaabi weydo, waxay go’aaminaysaa hey’addaas (Kronofogdemyndighet) in deyntaas lagugu leeyahay waxaanay go’aan u diraysaa adiga iyo ciddii deynta kugu lahayd. Intaas wixii ka dambeeya ciddii deynta kugu lahayd waxay arrinta uga hadhaysaa oo ay u deynaysaa hey’addaas si ay lacagta kaaga qaaddo. Habka laguu soo gaadhsiiyey warqadda wargelinta iyo ga’aanka hey’adduba waxa weeyi kharsh dheeraad ah oo kugu soo kordhay oo ay tahay in aad adigu bixiso. Qofka oo la geliyo diiwaanka dadka aan bixin lacagaha ama deymaha lagu yeesho Marka hey’adda (Kronofogdemyndighet) ama maxkamadda degemdu ay go’aamiso deynta lagugu leeyahay ayaa lagu gelinaya diiwaanka dadka aan bixin lacagaha ama deymaha lagu yeesho ee laga eego dadka deymaha bixin waaya. Haddii lagu geliyo diiwaanka dadka aan bixin lacagaha ama deymaha lagu yeesho way kugu adkaanaysaa ama suurtagal kuuma aha in aad amaahato lacag, ama baanku ku siiyo kaadhka xisaabta ama aad soo furato telefoon ama aad kiraysato tusaale ahaan baabuur, tiifii, fiidiyow ugu yaraan muddo saddex sannadood gudahood ah. Waxa weliba kugu adkaan karta in guri lagaa kirireeyo. Qofka deyntii lagu lagaa si khasab ah oo sharciga waafaqsan lagaga qaado Hey’adda loo yaqaan (Kronofogdemyndighet) ayaa deyntii lagu lahaa si yaabo kala duwen oo khasab ah kaaga qaaddaysa. Sida ugu caadisani waxa weeyi in ay ka jarto mushaaradaada, lacgataada hawlgabka, lacgataada bukaanka ama dakhliyada kale ee ku soo gala. – 13 – Warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofka ”sida in deyn uu bixin waayeyey lagu leeyahay iwm” Warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofku waxa weeyi dulmar guud oo lagu smaynayo xalladda dhaqaale ee qofka, taas oo ka caawinaysa cidda deyn bixinaysa ama guri kiraynaysaa in ay qiimayn ku samayso sida aad u ilaaliso dhaaqaalahaaga. Dhammaan dadka ku nool Iswidhan ee da’doodu ka weyn tahay 15 sannadood way ku jiraan diiwaanka warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofka. Hey’adda loo yaqaan ”Datainspektion” ayaa dusha ka ilaalisa shirkaddaas qaabbilsan diiwaanka warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofka. Cidda dalbanaysa warbixinta xaaladda dhaqaale ee qof, waxay ugu baahantahay waxa loogu yeedho baahida sharciga waafaqsan ”legitimit behov” , tusaale ahaan haddii ciddaasi ay doonayso in ay kula gasho heshiis ay wax kugu amaahinayso. Marka kasta oo shirkaddaas qaabbilsan warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofku ay gudbiso warbixin ku qof ku saabsan, qofkaasi waxa loo soo dirayaa warqad qoraal ah oo ku saabsan warbixinta laga bixiyey nooca ay tahay. Waxa kale oo aad xaq u leedahay in si lacag la’aan ah aad ku ogaato nooca warbixinaha adiga kugu saabsan ee lagu keydiyey diiwaankaa. Codsigaasi waa in uu ahaadaa mid qoraal ah oo hoostana aad ka soo saxeexdo. U qor warqad shirkadda qaabbilsan warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofka una muuji marka qaanuunka diiwaanka la tixraaco xuqquda aad u leedahay in lagu siiyo oo aad ogaato macluumaadka kaa yaalla diiwaanka. Waxaad sheegtaa lambarkaaga dhalashada, magacaaga iyo cinwaankaaga. Haddii warbixin kugu saabsan oo ku qoran diiwaanka shirkadda qaabbilsan warbixinta xaaladda dhaqaale ee qofka, aad u aragto in ay khaldan tahay, shirkadda ayaa saxaysa isla markaasna ogeysiinaysa dhammaan ciddii heshay macluumaadkaas khaldan muddedii laba iyo tabankii bilood ee ugu dambeeyey. Bo x4 8 , 6 5 10 2K a r l s t a d T e l :0 7 7 1 4 23 30 0 www. k o n s u me n t v e r k e t . s e
Similar documents
Sawir-kartoonika caalimaga
Arinta ugu horeysi waa inaad go’aansatay waxaad rabto inay sheekadaadu sheegto. Aragtida aad rabto inaad wax ka bedisho ama soo saarto Kadib ka fikir sheeko gaaban taasoo sharxaysa arrinta aad rabt...
More information