Soo Diray Soo Dhawaynta Madax Maamulkooda Ka Tirsan
Transcription
Soo Diray Soo Dhawaynta Madax Maamulkooda Ka Tirsan
Vol 5. Cadadka 962aad. 02 Dul Hajj, 1437 Sabti 03 September, 2016 Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In M/Siilaanyo Saddex Wasiir Iyo Xoghayntiisa Gaarka Ah Madaarka Hargeysa Ugu Soo Diray Soo Dhawaynta Madax Maamulkooda Ka Tirsan “Wasiirrada Iyo Xoghayaha Na Soo Dhaweeyey Waxay Ay Noo Sheegeen In Madaxweyne Siilaanyo Ogyahay Joogitaankooda, Isna Uu Bixiyey Amarka Nalagu Sharfay Ee Nalagu Soo Dhaweeyey”… Ag. W/Wararka Somalia Masuuliyiin Hanti-dhawraha Somalia Ku Jiray Oo Sheegay In Wasiirro Dhan Iyo Xoghayaha Gaarka Ah Ee Madaxweynuhu Kuyuu U Soo Galeen Soo Dhawayntooda Saacadona Ku Sugnaayeen Qaybta VIP-da Madaarka HLaba Xildhibaan Oo Hadalladii Ugu Naxli argeysa (Foore)- Xubno isugu jiray Agaasimayaal, xildhibaanno iyo culima’udiin ka socotay dawladda Soomaaliya kana yimid caasimadda dalkaasi ee Muqdisho ayaa sheegay in umadda soomaaliyeed qalbiga ka midaysan tahay oo aanay jirin wax u dhaxeeyaa (Eeg Bogga 2aad) Badnaa Xambaarsanna Uur Kutaalo Qabiil Ku Kala Fogeeyey Beelaha Sacad Muuse Iyo Ciise Digil Iyo Midhifle Ayaa Dhaama Jaarnimadooda, Samaroon Iyo Ciise way Ayaan Daran Yihiin Markii Jaarkoodii Noqday Sacad Muuse”..Areeye B oorama (Foore) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin iyo Xildhibaan Cali Aareeye oo ka Wada Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Awdal,Kana soo jeeda Beesha Ciise ayaa ka hadlay M/Siilaanyo Oo Ka Hadlay Dirir Dhiig Badan Daadisay Oo Laba Beellood Ku Dhex-Martay Deegaanka Ceel-Af-Weyn “Dagaal Waxa Ku Dhinta Wiil ee Ha La Joojiyo Dhiiga Aan Innaga Go’in Ee Dhex-Deenna Ku Daadanaya”..M/Siilaanyo (Eeg Bogga 2aad) Jamaal Cali Xuseen Iyo Wasiir Cadaani Oo Shalay Ku Sigtay Inay Isu Gacan Qaadaan Iyo Arrimaha La Isku Seegay Ee Keenay Cadhada H argeysa (Foore) – Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi (Eeg Bogga 2aad) H argeysa (Foore)- Warsaxaafadeed habeen hore kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng. (Eeg Bogga 2aad) Siyaasi Cabdiqadir Cali Obsiiye Oo Baaq Nabadeed U Diray Labada Beelood Ee Wlaalaha Ah Ee Ceel Afweyn Ku Diriray “Xeedhadeena Waxa Inoogu Jiraa Waa Nabada, Waa In La Wada Ilaashado”..M/Weynaha Mustaqbalka H Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Dib-U-Habeyn Ku Samaysay MANHAJKA Waxbarashada Aasaasiga Ah Ee Somaliland H (Eeg Bogga 3aad) Xildhibaano Si Adag U Difaacay In AKHRI: Warqaddii Lixaad Ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Gobolka Sool Iyo Degmada Buuhoodle Oo Ay Jileyaasha Aan Dawliga Ahayni H Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Laga argeysa (Foore)- Dalladda ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ah ee Somaliland ee SONSAF ayaa War-saxaafadeed ay ka soo saartay magaallada Hargeysa waxaa ay warbixin hor-dhac ah kaga hadashay Diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee Hirgeliyo Deegaanada Woqooyiga Hargeysa H Maroodijeex ayaa si adag uga jawaabay hadallo maalmahan ka soo yeedhayay qaar ka m i d ah (Eeg Bogga 8aad) Xusuus Qorka Cabdilaahi Yuusuf Iyo Halgal Iyo Hagardaamo 76aad Khilaafkii Itoobiya Iyo SSDF D jeediyeen in ay ciidanka SSDF amar ku siiyaan in ay ciidanku hubka (Eeg Bogga 3aad) 23-kii bishii hore ka bilaabantay gobolka Sool iyodegmada Buuhoodle, kaasi oo ahaa gobolkii lixaad islamarkaana ugu dembeeyey geedi socodkii tirakoobka ee dalka laga waday. Dalladda Sonsaf oo warbixinteeda hal-ku-dheg uga (Eeg Bogga 4aad) Jilaaga Filimada Ee Van Damme Oo Nabi Muxammed NNKHA Ku Majeertay Xabsigiisii Itoobiya r. Xasan Cali Mire i y o kooxdiisu waxay Itoobiya u soo (Eeg Bogga 2aad) Warbixin Ay Dalladda Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Kaga Hadashay Tirakoobka Doorashada Ee Ka Qabsoomay SOOL argeysa (Foore) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo ku hawlan Tayeynta Waxbarashada Aasaasiga ah ee argaysa (Foore)- Qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ee ka soo jeedda woqooyiga gobolka argeysa (Foore) – Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mu s ta q b a l k a ) a y a a b a a q Maskax Badnaan Dardaaranna Ku Baahin Qandaraas WVI Siiyey Dhallinyaradu Inay Ku Daydaan J ilaaga caanka ah ee Filimada Maraykanka ee Hollywood Jean-Claude Van Damme, dhalinyaraduna aadka u jecel yihiin (Eeg Bogga 6aad) Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Bogga 2aad Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In ………… Jamaal Cali Xuseen Iyo ………... iyaga oo ku faanay in madaxweyne Siilaanyo Khamiistii wafti ballaadhan ugu soo diray Madaarka Hargeysa oo ay muddo saacado ah ku sugnaayeen iyaga oo ku wajahnaa gudashada Xajka oo Transit ku ahaa Madaarka. Madaxda dawladda Soomaaliya oo muddo kooban ku hakatay madaarka Cigaal International waxa gacan qaaday, safafna u galay salaantooda, lana fadhiistay Wasiirro iyo Agaasimayaal ka tirsan dawaladda Somaliland si ay u soo dhaweeyaan, kuwaasi oo u muuqday masuuliyiin si weyn ugu diyaar ahaa soo dhawaynta waftiga xukuumadda iyo culimada Soomaaliya, wallow aanay wali jirin siyaasad cad oo wali bannaysa soo dhawayn meeqaam sare leh oo lagu qaabilo madaxda dawladda ay ka tirsan yihiin sheeganayso Somaliland, Madaarka ay safarka ku marayeena u arka mid ku yaalla gobol ka tirsan dhulkooda. Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala oo ah agaasimaha wakaalada Wararka Dawladda Soomaaliya oo ka mid ah dadkii Madaarka Hargeysa lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay in waftiga xukuumadda Somaliland ee Madaarka ku qaabilay ka koobnaayeen Wasiirro dhawr ah iyo Xoghayaha Madaxweyne Siilaanyo isaga oo sheegay in Masuuliyiintaasi soo dhawaysay ay u sheegeen in Madaxweynuhu ka war qabay imaanshiyaha Hargeysa ee aannu nasashada ku sii maraynay Madaarka Hargeysa amarkana soo bixiyey in ay sidan noo sharfaan. Al Cadaala oo qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Maanta Muddo Saacado ah ayaannu joognay Magaalada Hargeysa, Halkaas oo aannu ku sii ahayn safar waxaanan ahayn wafti balladhan oo isugu jira masuuliyiin dawladeed, Culimo iyo Siyaasiyiin caan ah. Waxaan dareemay sida aysan u dhaawacmin walaaltinimada ka dhaxaysa bulshada Soomaalidu meel walba oo ay joogaan. Markii hore waxaa si wanaagsan noo soo dhawaayay saraakiisha Madaarka Airport-ka Cigaal, inagoo taas ku faraxsan ayaa saacado kadib waxaa noo yimid saddex wasiir oo ka socda Somaliland iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay noo sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ogyahay Joogitaankeenna uuna amray in sidan naloo sharfo. Marka aan isku soo duubo aragtida aan ka qaatay soo dhawayntii iyo wada sheekaysi dheer waxaa ii soo baxday in ay Soomaalidu quluubta ka midaysan tahay oo ay jiraan xadhko adag oo isku haya. Mahadsanidiin Somaliland madax iyo shacab”. W asi i rada soo dhawaynt an m eeqaam keedu sarreeyo ugu sameeyey Madaarka Hargeysa waxa ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil iyo Masuuliyiin kale waxaanay waftigaasi muddo saacado ah kadib u sii gudbeen dhinaca Sucuudiga oo ay u jihaysnaayeen. Mid kale oo ka mid ah masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya ee la soo dhaweeyey oo bogga uu Facebook-ga ku leeyahay ku daabacay qoraal kooban oo uu ku muujinaayo sida loo soo dhaweeyey waxa uu yidhi: “Waxaan saaka ka soo amba baxay Muqdisho anigoo ka mid ah wafdi isugu jira Mas’uuliyiin dowladeed, culimaa’udiin, Oday dhaqameedyo iyo Saxafiyiin, oo ku sii jeeda gudashada Xajka.12:40 PM ayaan gaarnay garoonka diyraaradaha ee Cigaal International Airport ee Hargeysa. Sidii naloo soo dhoweeyay ayaa rajo iyo riyaaq i galisay. Dad badan ayaa loogu sheekeeyay in madaxda sare iyo dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya aan laga soo dhoweyn Somaliland ama laba xiro. Waan ogaa in aysan u jirin sida loo buunbuuniyo balse waxaan dareemay macnaha sokeeyenimada si kasta oo wax la isugu diiddannyahay.Waxaa naloo soo dhoweeyay si sharaf leh, waxaana nala geeyay VIP-da garoonka Cigaal International Airport -Ogow kama aynaan soo bixin VIP-da Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho. Si wanaagsan ayaa naloo sooray. Madaxda ugu sarreysa Madaarka Hargaysa, 3 wasiir oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Awqaafta Somaliland Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa na soo salaamay nana soo dhoweeyay. Xoghayaha gaarka ah ee madaxwenaha Somaliland ayaa isna na soo booqday oo na soo gaarsiiyay salaanta madaxweyne Siilaanyo. Hadda oo aan sadarradan qorayo waxaan joogaa garoonka Addis Ababa ee Ethiopia, halkaas oo aan cidina aqoonsi, maamuus iyo taban taabo gaar ah na siin maqaam kastoo aan leenahay inkastoo aan waxba naloo dhibin’ ayuu yidhi masuulkan ka mid ah dadka madaarka lagu soo dhaweyay” ayuu m asuul kaasi qoraalkiisa ku soo xidhay. Masuuliyiinta Somalia ee waftigan waxa ka mid ahaa Hanti dhawraha guud ee dawlada Somaliya Dr. Nuur Jimcaale Faarax oo dhawaan mar uu ka hadlayay heshiiska DP-Word ku sheegay mid aan la aqbali karayn isaga oo Somaliland ku tilmaamay maamul goboleed aan heshiis gali Karin. Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay xukunka timid dabayaaqadii sannadkii 2010 waxa si weyn isu badalay meeqaamkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo wixii isaga ka horreeyey aad u kala xidhnaa balse imika xaajadu marayso in wasiirro dhammi safaf madaarka Hargeysa ugu galaan madax aad meeqaamkoodu u hoosayso oo ka yimid Xamar sheegaana in ay madaxweyne Siilaanyo salaam uga sidaan amarna ku qabaan soo dhawyantooda. Lixda Goobood ee Woqooyiga H a r ge y sa ee dh aw a an l ag a samaynayo Qaadashada Diwaangalinta Kaadhka Codbixinta,waxa ay si foolxun weerar afka ah ugu qaadeen Beesha Degta Koonfurta,Galbeedka iyo Woqooyiga Magalaaladda Hargeysa ama Beesha Deegaanka Magaaladda Hargeysa ee Sacad Muuse,waxa ay si gooni ah gooni ah ugu weerareen weedho xanaf iyo Xajiin badani ka muuqato oo uur kutaalo Qabiil xambaarsan oo aad uga Cadhaysiiyay dadkii daawaday iyagoo wakhtiga ay hadalkaasi jeediyeen ku sugnaa Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal. Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland,kana oo ka soo jeeda Gobolka Salal ama Beesha Ciise ayaa ka dhawaajiyay Kalmado cadho badan dhaliyay oo aanu ka fiirsan,Waxa uu Dawlada ku eedeeyay inay Goobahaasi ku daad guraynayso Dad OROMO ah oo aan Somaliland u dhalan,taasi oo ay dadka badankoodu ku fasireen arin lafjab ku ah Qaranka uu mudanaha u yahay, iyo kicin dad weyne,waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maalin Walba Dulmiga lanagu Hayo Maxaad uga hadli laadiin ayaa lana lahaa, Waanu eegaynay uun oo waxaanu islahayn Ha Deg degina ee bal hubsada,Dadkii halkaasi deganaa Markaan Wasiirka Ciyaaraha ahaa waxaan ahaa raggii La yidhi taga oo waxaad tidhaahdaan Qaat a waraaqaha oo hareerihiinii ka qaata,Markii loo furi waayay,Hareerihii ayay ka wada Qaateen,Baabuur ayaa l agu daabul ay,I sl aam aa ku Xanuunsaday daabulkaasi,Markii ay qaateen Waraaqihii ayaa la yidhi Meeshii ayaa la furayaa,Yaa loo furayaa,Haddaba dadkan imika la doonayo in la soo daabulo oo meesha la keeno ayaa la rabaa inay meesha ku qabsadaan codkoodaasi,Dadkii kalena Goobihii shishe,Ayaa lagu lambariyay,halkan oo madhan oo cidlo ah oo aanay cidna ku qornayn, oo dadkaasi Cusub ee Oromo ahaataa iyo cid kale ahaataaba ee imika la keenayo ayaa la rabaa inay ku degaamoobaan”. Xildhibaa Cali Aaraaye oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda,kana soo jeeda Gobolka Salal oo ka hadlay Lixdaasi Goobood ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa Weerar Qaawan ku qaaday beesha dhexe ee Sacad Muuse waxaana uu yidhi“Dadbaa ka dida laba reer oo Soomaaliyeed hadday maanta wada qadeeyaan,Ciise iyo Gadabuursi ayaa wada Jooga oo wada fadhiya ayay dad badani ka didiyaan,Waxaan idiin sheegaynaa Qolada ka didaysaa Waligayo waanu wada joogaynaa,Balaayada nagu dhex jirta ee sidaasi noo dhex wareegaysay idinka uunbay ahayd,laakiin waan fahamnay,Ciise iyo Gadabuursigu Mar waxaan idhaa way ka nasiib daran yihiin,marka illaahay jaarkayagii ka dhigay SACAD MUUSE,Waxaan idhaahdaa Digil Iyo Midhifle ayaa malaha idiin dhaami lahaa,Ma Ragga Lix Goobood oo yar yar maanta doonaya inay Calaydh Iyo Galaydh,Iyo Hargeysa uu Muuse Biixi dad uga soo qaadayo Inuu kuu beero Lixdaasi Goobeed ee yar yar,dadkii lahaana la yidhi,meelahaasi kale iska soo diwaangaliya”. Waxa kale oo uu yidhi“Waxaa la yaableh,Suldaankii habeen hore h a d l a y a y S u l d a a n Sabayste,Magacaasi malaha waa Turkiye iyo wax eh,Suldaan sheegtay Suldaanka Guud ee Sacad Muuse,Suldaanka Guud waxaanu u naqaanaa Suldaan Xasan eh”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay. Laba Xildhibaan Oo Hadalladii Ugu Naxli …….. Siyaasi Cabdiqadir Cali Obsiiye Oo Baaq …….. nabadeed oo uu u dirayo Labada Beelood ee Walaaha ah ee daga alku k u d hex mar ay Deegaanka Ceel Afweyn waxa uu soo gaadhsiiyay Wargeyska Foore,Waxa uu ugu baaqay inay qoriga dhigaan oo ay nabada ka shaqeeyaan,Waxa kale oo uu Reer Somaliland ugu baaqay inay ku ducaystaan inuu Alle u dooro Hogaamiye daacad ah oo Alle ku Eeg Bogga 3aad Saxardiid (Cadaani) ayaa shalay dirqi ku sigtay inay Gacmaha iskula tagaan kadib markii uu Aqoonyahan Jamaal Waydiiyay laba su’aalood oo hal Xidhaale ku noqday Wasiirka,wakhti ay shalay ku kulmeen Huteel Hargeysa kuyaala. Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa markii hore kursigii uu ku fadhiyay intuu ka soo kacay dul tagay Wasiir Cadaani oo uu bildhaan ka arkay islamarkaana sida hadalkiisa ka muuqata uu mudooyinkanba la raadinayay laba su’aalood oo markii uu waydiiyay kar ka keenay Wasiirka,waxa uu markii uu wax yar u jiro ku tiraabay Erayadan “Waakan Wasiirkii aan M u d o o y i n k a n b a Raadinayay,Waaryaa Cadaani,bal iska Waran horta Saaxiib,waar Waan kula la’aaye, Waa maxay sidan aad noqotay iyo fadeexadan aad ku kacday,maxaa ku helay,Maxaad uga jeeday Gabadhkii aad booliiska ugu yeedhay ee aad tidhi Lacag ayay xaday,Fajiciso ayay igu riday Arintaasi waliba lacagta yar ee aad sheegtay “Qosol yar” kadib, Mida kale Wariye Muniir Axmed Cigaal Maxaad Ku gashay ee aad sabab la’aanta Shaqada uga eriday, Waar Cadaani siday kaa noqotay?. Wasiir cadaani oo muuqaal ahaa isbadelay islamarkaana fadhiga Xamili waayay oo ay cadho badan ka muuqatay ayaa sare u qaylyay islamarkaana ka dhawaajiyay kalmado soo wada jeediyay Dadkii markaa ka agdhawaa oo ku soo Xoomay,waxa uu yidhi “Waar Maxaa kaa galay,waa Maxay Waxan aad nawaydiinaysaa, Walaahi iyada ayaa u yeedhay Booliiska,Anigu umaan yeed hi n, waa ban ka m aqn aa Wasaaradda,waxaan imid iyadoo ay booliisku joogaan goobta,Ta kale inankaa yar ee Kibray aniga ha iwaydiin “Muuniir”,isaga ayaa shaqada iska joojiyay ee anigu waxba kamaan joojin,waar nadaa ma sidaasi ayaad doonaysaa inaad Ummadda Madaxweyne ugu noqoto oo aad ugu cadaalad Fasho,waar nadaa adeer oo naga durug”.Wasiir Cadaani. Wixii intaa ka dambeeyay talo faraha ayay ka haaday,hadalkii ayaa ka taag taagmay labadoodaba,oo Waxa kala aamusiiyay dadkii u soo Gurmaday ee ku dhex sugna Huteel Guuleed. Labada Su’aalood ee uu Jamaal Waydiiyay ee uu aadka uga gubtay Wasiir Cadaani ayaa ku saabsanaa Gabadh Qasnaji ka ahaan jirtay Wasaaradda Warfaafinta oo uu Wasiir Caddaani Shaqada ka joojiyay kadib markii uu sheegay in Qasnadda lagala baxay Lacag shan Milyan oo Somaliland ah,taasi oo uu Shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay. Su’aasha kale ayaa ahayd Mulkiilaha Warbaahinta Somaliland Today Muniir Axmed Cigaal oo isna uu dhawaan shaqada Tv-ga Qaranka ka joojiyay. Wasiir Cadaani ayaa markii hore Giir iska kiciyay,aadna isku diidsiiyay Su’aalahaasi inuu ka jawaabo balse markiii uu Jamaal ka dayn Waayay ee ay dadkii kalena soo wada daymoodeen ayuu si cadho leh uga jawaabay,isagoo dhawr jeer ruqaansaday oo damcay inuu la dagaalamo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka. Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa lagu faahfaahiyey Baaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kasoo saaray dirirta ka dhex socota beellaha walaallaha ah ee wada dega deegaammada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo dhimasho iyo dhaawacba dhaliyey. Warsaxaafadeedka afhayeenka MAdaxweynuhu kaga hadlay baaqa Madaxweyne Siilaanyo oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Foorewaxaa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu baaqaasi ku y i d h i “N a b a d g e l y a d a , i s xaqdhawrka, wada noolaanshaha iy o d e g e n a a n s h u h u w a a tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa aasaaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabadaiyo xasiloonida. Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya. Dalkeena kama go’do maanta in dad inagaga dhinto dagaal aan loo baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu dhaqanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo talo walaalnimo oo la isu tanaasulo. Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi, soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho. Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhiiga aan inaga go’in ee dhexdeena ku daadanaya. Waxaan tacsi ti i r a a n y o l e h u d i r a y a a dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland. Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin”. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. M/Siilaanyo Oo Ka Hadlay Dirir Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Bogga 3aad Siyaasi Cabdiqadir Cali Obsiiye Oo Baaq …….. Xusuus Qorka Cabdilaahi …….. xidhan oo isbadel dhab ah u horseeda,Kana saara Faqriga iyo Colaadahan baryahan dambe dalka ku soo laba noqonaya. Siyaasi Cabdiqadir Cali Obsiiye waxa uu hadalkiisa baaqa nabadeed ah ku bilaabay sidan“Waxaan ugu baaqayaa labada Qabiil ee Walaalaha ah ee isku deegaanka ah ee ay Colaado imika ka bilaabantay inay Colaada joojiyaan,Xabadda Joojiyaan,Waxaa la gaadhay wakhtigii lagu fikiri lahaa Wadanka Horumarkiisa iyo sidii isbadel dhab ahi wadankan u iman lahaa,Waxaan jecelahay in la xasuusto Colaada wax yaabihii aynu ka soo marnay Dagaaladii Sokeeye,oo dadka aanay ilaawin wixii ay soo mareen,Colaadi waata intaasi inaga soo reebtay,Waxaan ku baaqayaa dadkaasi walaalaha ah inay marka u horaysa Alle ka baqaan,Aakhiradooda xasuustaan,Waxay isku hayaana Hadal ayay ku dhamayn karaane ay ka wada hadlaan,Xabada iyo Colaadana ay joojiyaan,Taas ayaan ku talinayaa,Waxaan mar labaad iyo Mar Saddexaadba ugu baaqayaa oon leeyahay halaga Waantoobo oo halaga koro Colaad sokeeye,” W a x a k a l e o o u u y id h i “Wadankeenu maanta meel fiican ayuu marayaa,Laakiin waxaan u b aa han ah ay Isba de l dha b ah,Waxaynu u baahanahay Hogaamiye wanaagsan oo diin leh,oo dadnimo leh oo daacad ah,oo Illaahay u saciid ah ayaan ubaahanahay ,Markaa insha Alle,kaasina sidii aan ku heli lahayn in lagu baraarugo ayaan runtii dad weyna ha R eer Somaliland siiba dhalinyarta ayaan iyagana ugu baaqayaa,Koobka keli ah ee aan haysanaa Waa Nabada,Wax kale maanta ma haysano,Xeedhadeena Waxa inoogu jiraa Waa nabada,Waa in la wada ilaashado,Colaadana halaga koro,waxaa loo baahan yahay inaaan ka fikirno wixii aan ku soo kordhin lahayn Nabadaasi yar ee aan haysano ee Barwaaqo iyo Horumar ah,iyo Hogaamiye Fiican oo keena Isbadel wanaagsan oo horumar ah”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Siyaasi Cabdiqadir “Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland. Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare, ayaa Muddo dheer ka dib, dib-u-habeyn ku samaysay Guud ahaan qaybaha MANHAJKA Waxbarashada, waxaana la soo daabacay Buugaag cusub oo Wasaaraddu ugu Talo-gashay in Ardayda wax looga dhigo. Shir-jaraa’id oo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdill aahi -dheere), Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Prof. Cabdi Cali iyo Agaasimayaasha Laamaha Wasaaradda Waxbarashadu ka kooban tahay Maanta ku qabteen Xarunta Wasaaradda, ayay ku shaaciyeen in lagu guuleystay dib-uhabeyn lagu samaynayey Guud ahaan M a n ha j k a W a x b a r a sh a d a e e Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Somaliland, dibna loo soo daabacay Buugaag Xambaarsan Manhaj Waxbarasho oo Aqoonyahannada Reer Somaliland si waafiya uga shaqeeyeen, kaasi oo lagaga Maarmi doono Manaahij kala duwan oo Dugsiyada Somaliland qaarkood lagu dhigi bixin jiray. Agaasimaha Waaxda M anaahijt a ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Diiriye oo ugu horeyn Shirka Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in Muraajaco lagu sameeyay Manhajka Somaliland, sidoo kalena lagu guuleystay in Wasaaraddu soo daabacdo Buugaag tiro badan oo Xambaarsan Manhajka lagu dhigayo Heerarka kala duwan ee Waxbarashada Aasaasiga ah. “Waxa M uraaj aco l agu sameeyay MANHAJKA Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe, waxaana dib -u-habayn iyo Tayeyn lagu sameeyay Manhajka Dugsiyada Sare ee Somaliland, waxaana lagu daray (Duruusta lagu dhiganayo Dugsiyada Sare) Xirfado Ardaydu ka faa’ideysan doonaan Mustaqabalka.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashadu, waxaanu intaa ku daray oo uu faahfaahiyey Aqoonyahannada ka shaqeeyay Dib-u -habeynta lagu sameeyay Manhajka, “Aqoonyahanno Wasaaraddu u xushay inay dib u eegaan Manhajka, ayaa ka shaqeeyay.”. Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in B u u g a a gt a W a s a a r a d d u s o o daabacday ee Xambaarsan Manhajka Waxbarashada Aasaasiga ahi ay wax badan ka beddeli doonaan Tayada Waxbarashada lagu dhigo dugsiyada Waxbarashada, “Dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa la bilaabay 1997-kii, illaa xilligaa ma heli jirin Buugaag ay Ardaydu wax ka dhigtaan, laakiin Macalimiinta ayaa Marmar Dalka dibaddiisa looga soo iibin jiray Buugaag ay wax ka dhigaan, markaa waa ILAAHAY Mahaddii haddii Maanta baahidii buugaagta laga saaray Ardaydeena.” Ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey, “Buugaagta la soo daabacay ee dugsiyada Dhexe waa Toban Maaddo.”. Agaasimuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Guud ahaan Dib-u-habeynta lagu sameeyay Manhajka Waxbarashada Somaliland ay ka hawl-galeen 106 Aqoonyahan oo Wasaaraddu xushay. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi uu Madax u ahaa soo xuleen in Shirkad lagu Magacaabo Hemo oo fadhigeedu yahay Hargeysa soo daabacdo Manhajka Waxbarashada Somaliland, ka dib markii ay ku guuleystay Tartan la geliyey Shirkado kala duwan, “Shirkado ayaa ku tartamay soo Daabacidda Manhajka Waxbarashada Somaliland, waxaana tartankaa ku guuleysatay Shirkadda soo daabacday oo Magaceedu yahay Hemo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Guddi aan Guddoomiye u ahaa oo (Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu u saaray) ayaa soo xulnay Shirkadda Hemo, waayo? Waxay ka soo baxday Shuruudihii l agu qii maynayey Shirkadaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agabka ay haystaan iyo Awoodda ay u leeyihiin inay Manhajka Daabacaan. Sidaa daraadeed waxa Guul ah in inay Somaliland samaysato Buugaagteeda iyo Manhajkeeda.”. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof. Cabdi Cali oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa guul ku Macneeyay in dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare ee Somaliland helaan Buugaag uu Manhajka Somaliland xambaarsan, waxaanu yi dhi, “Ardaydeenna Dugsiyada sare ma haysan Buugaag, taa Macnaheedu waxa weeyaan inuu Manhajkii qaatay iyo in kale, taa Macnaheeduna waxa weeyaan lama garanayo in Manhajkii gudbay iyo in kale. Markaa Weelkii Manhajka Waxbarashadu waa Buugga.” Waxa gabogabadii ka hadlay halkaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdill aahi -dheere), waxaanu Wasiirku sheegay in Tallaabada Wasaaraddiisu ku soo daabacday Buugaagta ay guul u tahay guud ahaan Somaliland, Ardayda Dugsiyada Dalka iyo Wasaaraddiisaba. Wasiir Cabdillaahi-dheere oo ugu horeyn Sharraxaya Lacagta ay Wasaaradda ugu kacday daabacadda Buugaagta dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Somaliland, ayaa yidhi, “Q andaraaska Daabacaadda Buugaagtan waxaanu ku bixinay Laba Milyan oo dollar. Waxaa nagu kelifay inaanu Buugaagtan soo daabacanno markii la nagu yidhi Soomaaliya maxaad ka tihiin ? Soomaali mar ayuun baanu wax u wada daabaceynaaye. Waxaa ii muuqatay Buugaagtii lagu d a a ba c ay X am a r o o h al ka n (Somaliland) soo gashay. Markaa Carruurt eena m a waxaynu u dhigeynaa Manhajka (Soomaaliya) sow inaynu Fikirno Maaha, markaa fikir baanu keenay, fikirkiina waakaa guuleystay, Nimankaasina (Shirkadda daabacday) way noo hirgeliyeen Fikraddii, wayna Mahadsan yihiin. Wasaaraddu isku tashi bay samaysay, isku Tashigiina waataa guushiisu, markaa waa in Qaranka Somaliland isku tashado.”ayuu yidhi, Wasiir Cabdillaahi-dheere, oo intaa sii raaciyey in Buugaagta la soo daabacay Ardayda lagaga iibin doono qiimo aad u jaban, “Ardayga Dugsiyada Hoose/Dhexe waxa Buugga laga siin doonaa $ 1.70 doollar, ardayga Dugsiga Sare-na waxa Buugga uu ku heli karaa $ 2.75 ilaa 3 doollar, laakiin Dugsiyada gaarka ah oo (Waxoogaa Buug ah soo daabacday) waxay Halka Buug ka siiyaan Ardayga Dugsiga Sare 30 doollar.” W a si i r ku w ux uu s he e ga y i n Wasaaraddiisu ku dedaalayso sidii loo t a ye y n l a h aa W ax b a r as h ad a Aasaasiga ah oo uu sheegay inay hoos uga dhacday Heerkii loo baahnaa, “Waxaan arkay Arday dhigta Fasalka labaad ee Dugsiga Sare oo ka qallin-jabiyey Jaamacad, Waar Bahasha yaynaan kufsan (Waxbarashada) ee aynu Martabaddeeda u deynno, oo Carruurta intaynu garaneyno uun ma u dhignaa Master iyo PhD ha inoo dambeeyaane.” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland. Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare dhigaan, hadii ay diidaana ay xoog uga dhigaan, ciidanka SSDF -na wuxuu kala fadhiyay Wardheer, Qorrof, Galdogob iyo Balanbale, kolkii Itoobiyaanku ku dhaqaaqay arinkii lagula taliyay ciidanka SSDF wuxuu diiday in uu hubka dhigo, markii la is mari waayay Itoobiyaanku waxay ka fursan waayeen in ay xoog adeegsadaan, sidaas waxaa ku bilawday iska hor imaad xoogan oo dhex maray ciidamadii Itoobiya iyo kuwa jabhadda SSDF ee kala fadhiyay Wardheer, Qorof iyo Galdogob, Itoobiyaanku si fudud uguma badheedhi Karin ciidanka jabhadda ee waxay ogayd in ay iyadu gacanta ku hayso, maqaasiinadda rasaastu u tiil ciidanka. Muddo markii dagaalkii socday ayaa waxa ay rasaastii ka dhamaatay ciidankii jabhadda, sababtaas ayaa Itoobiya u suurto glisay in ay iyadu gacanta sare yeelato, iska hor imaadkaas waxaa ku dhintay ama nagaga shahiiday dad gaadjaya 60 qof halka tiro intaas ka badanina ku dhaawacantay, khasaaraha Itoobiyaanka soo gaadhay intan aad iyo aad buu uga badnaa marka la bar bar dhigo kan jabhadda. Badi ciidankii jabhadda waxaa dabadeed iyaga oo hub la’aan ah lagu hareereeyay xeryahoodii,, ciidankii ku sugnaa Balanbale markii uu ogaaday wixii ka dhacay meelihii kale wax dagaal ah ma qaadin, intii yarayd ee ka hadhay oo ku sugnayd taliska guud ayaa waxaa u tagay Muuse Islaam kaasoo u sheegay in uu Nairobi gaadhayo oo ay halkooda ku sii sugaan inta uu ka soo noqonayo. Si loo waayo qof loo hirto ayaa Itoobiyaanku waxay Islaan Cabdulle Islaan Faarax xabsi dawlo ahaan ugu xidhay magaalada Harar, sidaas oo kale waxay xabsiyo kala duwan dhigeen saraakiishii ciidanka ugu magaca waynayd, saraakiishaas waxaa ka mid ahaa Siciid Dheere, Cabdulqaadir Isbartiije, Cabdilaahi Cali Mire (Carays), Maxamuud Maxamed Cali (Sigane,) Hoori iyo Daahir Mire Jibriil, mar qudha ah bay kala yaaceen kuwii madaxda sheegan jiray, oo mid mid ayay u dhuunteen, Itoobiyaanku waxay gacanta ku dhigeen hubkii jabhadda oo dhan waxayna ku xeraysatay bakhaaro gaar ah oo ay ugu talo gashay, muddo ka dib hubkaas waxay siisay SNM iyo USC, kuwaaas oo ay gadaal ka riixayeen oo ay doonayeen in ay muujiyaan in ay yihiin jabhadaha keli ahaa ee Siyaad Barre dagaalka kula jira. Itoobiyaanku laba ujeedo bay ka lahaayeen buunbuuninta arintaas, mid waxay ahayd in ay muuqaal wadaninimo u yeesho jabhaddo ku sheeg ay maamulato, tan labaad-na waxay ahayd in ay jabhaddan ku bahdisho SSDF, oo isku daydo in ay ka dhigto wax aan jirin, taariikhdeedana sidaas ku aasto, been abuurka iyo dhaqan xumida Itoobiya waxay gaadheen heer ay ciidankii yaraa ee xaruntii jabhadda ku sugnaa ay halkeeda ku masruufto, si ay dunida ugu muujiso in jabhadii SSDF iskeed isaga baaba’day, oo waxa keli ah ee ka hadhay ay yihiin xoogaga xarunta ku sugan, waxay riwaayadaas u dhigaysay oo keli ah in aan lagu eedayn in ay iyadu baabiisay jabhaddii ku dhaawatay in ay Siyaad Barre dalka ka xoreyso, qaranimadiii dalkana sugto. Maamlo ka dib markii ciidankii SSDF wiiqmay ayaa bishii Juun 1986ki,i waxaa lagala baxay qolkii uu ku jiray Cabdilaahi Faash, kaas oo loo qaatay in dhaqtar la gaynayo, maadaama uu hore u jiranaa sidoo kale wuxuu dhawr jeer oo hore codsaday in dhakhtar la geeyo, halkiise dhakhtar laga gayn lahaa waxaa la geeyay qol xabsiga ku yiil, halkaas oo uu sabab la’aan muddo saddex bilood ah lagu jidh dilayay, waxaa la yaab ahayd si aanan u tuhmin maqnaanshihiisa in sidii caadiga ahayd marka cuntadala ii dhigo in la iila sii dhaafi jiray xagaa iyo qolkii uu ku xidhnaa. Dhawr mar oo aan tuhmay ayaa waxaan dhawr jeer waydiiyay askartii ilaalada naga haysay xaalada uu Faash ku sugan yahay, kuwaasi oo mar walba iigu jawaabi jiray in uu ladan yahay, gadaal waxaan ka ogaan doonaa xabbiska lagu dilay, markii ay nafta ka baxdayna waxaa la ii sheegay in ay maydkiisii kala baxeen ilig dahab ah oo uu marxuumku lahaan jiray, Subax danbe goor ay saacadu ahayd 8:30kii aniga oo ka neecaw sanayay dariishada qolka aan ku xidhnaa waxaa la I hor mariyay sariir mayd lagu sido, waan gartay waxa ay ula jeedeen waa ladanyahaydoodii. Mana aanan garan waxa ay hortayda u soo mariyeen meydkii Cabdilaaahi Faash oo ay sida xayawaantinimada ah u dileen, ma waxay ka ahayd cabsi gelin mise hor dhaca jidh dil igu soo fool leh !! ……..La Soco Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Warbixin Ay Dalladda SONSAF Soo World Vision Somaliland Invitation To Bid For Construction Civil Works-Location: Baki And Odwayne Districts–Somaliland World Vision Somaliland (WVS) is implementing Water, Sanitation & Hygiene program in the named Districts. The construction is focusing on improving the sanitation through construction of subsidiary latrines. WVS is inviting to a bid for the provision of works as specified in the Lot Numbers below and detailed tender documents complete with Bills of Quantities & structural drawings are now available (free of charge) for collection from the Hargeisa Office& District Sub Offices) during office working hours. Lot Description of Location Tender Open planned activities 1 Supply and fix solar Arrawayne / 29hAugust 2016 pump ,solar panels Baki District and fixing chain link wire around solar mounting site (Detailed specifications provided on Bid Documents) 2 Supply and fix solar Elsame and 29h August 2016 pump ,solar panels Odwayne in and fixing chain link Dadmadhedh wire around solar region mounting site (Detailed specifications provided on Bid Documents) 3 Supply and fix 12cum of water plastic tank (PVC), triple layer with dim : Diameter: 2600 mm (2.6 m), Height: 2000 mm (2m), Inlet Height: 1900 mm (1.9 m), Capacity: 10,000 Litres (10 mcu) complete with its fittings Odwayne & Elsame / Odwayne district 29h August 2016 Bogga 4aad Tender Closure 06thSeptember,2016 06th September,2016 06th September,2016 Eligibility: To be eligible for participation in this tender procedure, tenderers must prove to the satisfaction of the Contracting Authority that they comply with the necessary legal, technical and financial requirements and have the wherewithal to carry out the contract effectively. Technical and financial submissions must be very explicit.Interested bidders are invited pre-bidding meeting at the construction sites on Thursday, 1stSeptember, 2016 between 8:00am to 12:00pm. Bidders have to submit confirmation letter that they have seen the construction site signed by World Vision representative. Submission Procedures: Bid documents are available for collection from the date of this ITB. Offers must be received before the deadline which is on Wednesday the07th 2016 at 02: PMhours. Completed tender documents clearly marked with the Lot Number bided for must be deposited at the WVS Hargeisa Office before the deadline date and time, and recorded in the log book The Tender Committee will be convened promptly, on Thursday the 7th September 2016 at 10:00AM to open and receive the bid submissions. Bidders or their representatives are encouraged to attend. Formal bids being submitted must be on formal company letters, duly signed and stamped must indicate theFull Company Name, Physical Address, Contact Telephone Number/contact Email address, Directors Names, addresses and their telephone numbers Evaluation Award criteria: The tender committee has defined a detailed evaluation criteria to determine the most competitive contractors and will not only be based lowest price but on theon the basis of value for money, competitive financial offer,quality, compliance with international norms, and proven record of satisfactory performance (even with other organizations) of similar contracts in the recent past, financial capacity (Company’s Bank statement) and valid license. All bidders will be evaluated against the following criteria: -Competitive Prices as checked on the market including labor charges -Delivery time, clear work plan from order confirmation date to order fulfilment date for each item) -Quality of the products on offer (compliance to the required technical specifications above) -Digital /Electronic samples attached to the quote and selected winner to provide hard samples for approval to verify quality -Terms of Payments strictly after delivery in full specifications ordered -Past performance of the supplier and their reliability (reference checks to be duly done) -Valid compliance with the regulatory requirements stipulated by the Somaliland Government -Any other additional criteria deemed necessary for the specific purchase For: Tender Committee, World Vision Somaliland-Hargeisa dhigtay [Warqaddii Lixaad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha] waxaa ay Kaga hadashay koox ka socotay xafiikeeda oo hawl wadeennada diiwaangelinta iyo goobjoogayaasha maxalliga ah ka caawinayay habsami u socodka iyo qaab dhismeedka tirakoobka loo qorsheeyey. Warbixinta SONSAF Oo nuqul kamid ahi Soo gaadhay Wargeyska FOORE ayaa iyadu u hormeysnayd saddex waaxood [Koobi d, W arbixi n Guud i yo Gebogebo], waxaanay u dhignayd iyada oo dhamaystiran sidan: “Koobid: Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan Sannadka foodda inagu soo haya ee 2017-ka ayaa si nabad galyo ah uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle 23 August, 2016-ka. Diiwaangalinta Codbixiyayaashu waxay si guul ah hore uga soo qabsoontay Gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi Jeex iyo Sanaag. Gobolka Soolna waxa uu noqonayaa gobolkii ugu dambeeyay ee dadka ku nooli isu diiwaangalinayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee Somaliland. Koox hawl wadeenno ka socdey Dallada SONSAF ayaa soo gaadhey hal usbuuc ka hor Bilowgii diiwaangalinta gobolka Sool, si ay tobabarro u siiyaan shaqaalihii goobjoogayaasha maxaliga ahaa iyaga oo kaashanaya, madasha ururada bulshada rayidka ah ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), kuwaas oo Dallada SONSAF ay u kala dirtay 76 goobood oo ka mid ah 175 goobood oo diiwaangalintu ka qabsoontay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, oo u dhiganta 43% si ay uga soo warbixiyaan qaabka iyo hanaanka diiwaangalintu uga socoto guud ahaan Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle. Iyadoo wajigii koobaad ee diiwaangalintu soo gabagaboobay Arbacadii, 31, August, 2016-ka, wararka hordhaca ah ee ay soo tabinayaan goobjoogayaasha SONSAF ayaa tibaaxaya in guud ahaan diiwaangalintu si nabad galyo ah uga qabsoontay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, illaa iyo imikana aan la soo sheegin wax amni darro ah oo dhacay. Goob joogayashu waxa kale oo ay ku soo waramayaan in dadwaynaha Gobolka Sool ay si balaadhan ugu soo baxeen diiwaangalinta iyada oo dhammaan g o o b i h i i di i w a a n g a l i nt a l o o qorsheeyay ee Gobolka Sool ay shaqadoodii si habsi ah u wataan. Arrintan ayaa loo aanaynayaa inay la xidhiidho shirarkii nabadaynta ahaa ee dadka deeganadaas iyo Dawladda Som al i l a nd ku dhe x m ar ay deegaannada Awr boogays iyo Adhi cadeeye iyo waliba magacaaabistii wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Mr. Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon”, oo si weyn uga qeyb qaadatey in dad badani ay taageeraan diwaangalinta oo u arkey in kaalin weyn laga siiyey saamiga Som al i l a nd ay k u l eeyi hi i n dadweynaha gobolka Sool ku dhaqani, iyo in wasiirka laftigiisu uu olole weyn u galay sidii uu dadka ugu qancin lahaa iney qaataan kaadhka, isaga oo marey goobo badan oo gobolka ka mid ah. Arrintaasi waxa ay keentey in tiro badan oo dad ahi u soo baxaan diwaangalinta sida ay xaqi i j i yee n goobj oog aya ashi i maxaliga ahaa. Warbixinta Guud: Diiwaangelinta codbixiyaaasha doorashooyinka soo socda ayaa si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle oo noqonaya Gobolkii ugu dambeeyay ee diiwaangalintu ka qabsoonto. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan danneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhacdey xarunta hoolka hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood 21-kii August 2016-ka, oo ku yaal badhtamaha magaalada. Dhammaan danneeyayaashii ka soo qayb galay xafladdaasi waxa ay isku raaceen in taageero weyn la siiyo dhammaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool iyo Buuhoodle sidii loogu wacyi galin lahaa iney is diwaangaliyaan, waliba si gaara xoogga loo saaro dhinaca amaanka oo ah lafdhabarta ay ku socon karto diwaangalintu. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ayaa booqasho daaran dhiirigalinta diiwaangalinta ku yimi Gobolka Sool toddobaadkii ka horreeyey diiwaangalinta, isagoo dadka gobolka degan ugu baaqay i nay i s diiwaangaliyaan. Magacaabistii wasiirka arrimaha guddaha Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon”, s h i r a r ki i i s da b a ya a l a y e e Awrboogays iyo Adhi cadeeye iyo wadahadalada u socda dawladda Somaliland iyo Khatumo, iyo booqashooyinkii ay gud doom i ya ya ash a as xaa bt a qaranku ay ku tageen gobolka Sool, ayaa loo aanaynayaa inay iyaguna laf dhabar u ahaayeen sida toolmoon ee dadka ku dhaqan Sool iyo Buuhoodle ugu soo baxeen diiwaangalinta. Goob joogayaasha SONSAF ayaa soo tabinaya in wacyigalinta dadwaynaha Gobolka Sool ee diiwaangalinta ay qayb laxaadle ka qaateen Cuqaasha gobolka oo si gaar ah u wacyi galinayay dadka ku nool deeganadooda. Goob joogayaasha Maxaliga ahi waxa kale oo ay ku soo waramayaan in maalintii koobaad ee diiwaangalinta goobo badan oo gobol ka Sool ka m i d ah diiwaangalintu dib u dhacday ka dib markii muran iyo is fahamwaa ku saabsan gaadiidkii agabka diiwaangalinta qaadayay uu dhex maray gaadiidleyda iyo shirkaddii guddida doorashooyinka wakiilka uga ahayd gaadiidka diiwaangalinta, arrintaasi oo dedaal badan ka dib la xaliyey. Gobolka Sool iyo degmada Buuhoo dl e waxa dham m aan goobaha diwaangalintu ay ku shaqeynaayeen bilaa internet “offline”, taasi oo sababi karta in qof laba meelood iska diwaangalin karo, arrintani waa mid u gaar ahayd gobolka Sool oo qudha, oo aaney la qabin gobolladii hore oo ku shaqeynaayey nidaam Online ah. Si kastaba ha noqotee arrintani waa mid keeni karta walaac ah in dad badan oo ku noq-noqdey ay waayi karaan hadhow kaadhkii ay xaqa u laahaayeen marka Server-ku kala shaandheeyo. Lama soo sheegin ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacdey goobihi loogu talo galay diwaangalintu in ay ka dhacdo degmooyinka gobolka Sool marka laga reebo goobta numberkeedu yahay 1124 ee ka tirsan degmada Xudun oo habeenimadii 29ka August ay koox hubaysani soo weerartay goobta diiwaangalinta iyadoo askartii ilaalinaysay goobtuna difaacday inan (Eeg Bogga 5aad) Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 NAASNUUJINTA IYO DOORKA AY KA QAADAN KARTO IN LA GAADHO HIGSADKA 17 HIMILO EE HORUMAR WAARA(SDGs) EE WADDAMADA DUNIDU U ASTEEYEEN SANNADKA 2030: Bogga 5aad Basaasiinta Ciidda Hoosteeda Siraha Qarsoon Ee Sirdoonka Israel Iyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Dalalka Adduunka Iyo Gaar Ahaan Gudaha Dalka Maraykanka W/Q: Gordon Thomas Turjume: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase) . Q:51aad M Muhimadda naasnuujintu kuma koobna waxtrka caafimaadka hooyada iyo ubadka yar yar ee waxa ay faa'iido u leedahay caafimaadka guud ee mujtamaca adduunka korkiisa ku nool. siyaabahan hoos ku qoran darteed: -Naasnuujintu uma baahna hab lagu warshadeeyo ee waa mid dabiici sidii ilaahay u abuuray ah oo aan degaanka iyo dhulka wax qashin iyo wasakeyn ah ku soo kordhineyn. -Waxa sida qodobkan sare ku xusan ka geddisani waa isticmaalka waxyaabaha ama caanaha iyo cuntooyinka waalidiinta qaarkood caadeystaan in ilmaha siiiyo looguna beddelo caanaha hooyada kuwaas oo ku reeba qashin dhulka aynu nool nahay korkiisa.. -Waxa uu qoyska ilmaha dhalay uu u baahanayaa isticmaalka biyo nadiif ah, daasad bir ah iyo caagado ay masaasaadaha iyo mujuriceedu ku jiraan marka uu ilmaha ku quudiyo caanhaha sameyska ama cuntooyinka la siiyo ilmaha si ay ugu bedellaan caanihi naaska hooyada -Soo iibsiga caanaha iyo Cuntooyinka la warshadeeyo Waxaa kaga baxa qoyska kharash aad u badan oo u keena hoos u dhac dhaqaalaha qoyska iyo qaranka. -Waxaa isticmaalka qalabka lagu quudiyo caanaha ama cuntooyinka Warshadeysani ay u keenaan ilmaha la siinayo xanuunno sida shjubanka , kaasoo sababa kharash badan oo qorysku ku bixiyo daawaynta ilmahooda. -Waxaa maamullada degaannada lagu istimaalo caanaha ama cuntooyinka warshadaysan kharash badan ku bixiyaan sidii loo asturi laahaa alaabooyinka warshadaysan ee loo isticmaalay ku quudinta ilmaha yar halkii laga siin lahaa caanaha naaska. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland,Saleeban Ciise Axmed waxa uu ka soo wareegto lagu mamnuucayo in dhammaan xarumaha Caafimaadka Somaliland aan la keeni Karin laguna xayaysiin Karin wax walba oo lagu beddelo caanaha naaska hooyada. Sidoo kale waxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Qabyo Qoraal lagu xakameynayo Wax kasta oo lagu beddelo Caanaha Naaska Hooyada, kaasoo hoos u dhigi doona Wasakhaynt Degaannada Somaliland. Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’daha kalashaqeeya adeegyada nafaqada waxa ay dadaal wacan ka sameeyeen sare u qaadidda aqoonta hawlwadeennada caafimaadka ee ka hawlga Dhammaan xarumaha Caafimaadka, iyo la taliyeyaasha Bulshada ee quudinta habboon ee dhallaanka yaryar, kuwaasoo dadaal wacan ka gaystay guudahaan faaiidada naasnuujinta ,gaarahaanna sare u qaadidda fayadhawrka Degaankeenna. Waxaa sare u kacay ku bilaabidda naasnuujinta ilmaha ku dhasha xarumaha caafimaad ee Somaliland islasaacadda ugu horreysa dhalashadooda , sidoo kale u sii wadidda caanaha naaska ilmaha illaa ay ka gaadhaan labasanadood ayaa sare u kacday. Dadaalkani waxa uu hoos u dhigayaa isticmaalka caanaha iyo Cuntooyinka Warshadeysan , kuwaasoo khatar ku ah caafimaadka carruurteenna iyo fayodhawrka degaankeenna. Haddaba waa in aynu dadaalkaa ka sii wadnaa si aynu u gaadhno higsadka Horumar waara Sannadka 2030. Warbixin Ay Dalladda Jilayaasha Aan Dawliga … qalabka diiwaangalintu u gacan galin dablayda hubaysnayd. Dhanka kale waxa jirey goobo waqooyiga Hargeysa ah oo qorshuhu ahaa in diiwaangalinta dadka deegannadaas ku nool mar lala bilaabo Gobolka Sool, arrintaasi oo illaa hadda muran weyni ka dhex taagan yahay dadweynaha deggan goobahaasi oo qaarna diidan yihiin, kuwa kalena ogol yihiin in ay ka dhacdo diwaangalintu. Wasiirka arrimaha guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon” ayaa wareegto uu asbuucan soo saarey ku sheegey in goobaha muranku ka taagan yahay ee waqooyiga Hargeysa ay ka dhaceyso diwaangalintu, balse dadku kaadhadhka ay qaataan ay ku gali karaan uun doorashada Madaxtooyada. Muranka goobahaas oo ah lix goobood oo ubucda khilaafka ka jiraa ku salaysanyahay mid xuduudeed oo u dhaxeeya Gobolka Awdal, Saaxil iyo Maroodi Jeex, ayaa imanaya xilli Wasaaaradda Arrimaha gudaha Somaliland aanay wali sam ayni n xeer kal a xadeeya D e g m o o y i nk a i yo Go b o l l a d a Somaliland. Dalladda ururada Bulshada rayi dka ah ee SONSAF waxay ku dhii rigali naysaa d h a m m a a n dhinacyada ay arrintani khusayso in si xilkasnimo ka muuqato loo xaliyo k h i l a a f k a deegaannadaas oo sannado badan soo ji itam ayay isl a markaana aan awood loo isticmaalin in lagu xaliyo. Geba-gebo: Wareegii Koobaad ee Diiwaangalinta Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ayaa si guul ah ku dhammaaday, iyadoo Gobolka Sool diiwaangalintu gaadhay dhammaan goobi hii loo qorsheeyay inay diiwaangalintu ka qabsoonto, ee ku firidhsanaa gobolka oo dhan. Degmada Buuhoodle waxa illaa iyo iminka aanay diiwaangalintu ka hi rgal i n saddex goobood oo qorshaysnaa oo ay ka mid tahay gudaha magaalada Buuhoodle. Diiwaangalinta Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ayaa la filayaa inay si rasmi ah u soo gabagabowdo 19 September, 2016-ka. ossad waxa ay diyaariyeen diyaarad yar oo gaar ah oo ay diyaarisay shirkadda diyaaradaha ee Israel balse laga soo iibsaday shirkadda diyaaradaha ee dalka Britain. Waxa ay ahayd diyaaradda la doonayay in loogu safro dalkaasi Argentine. Raffi Ettien oo qorshahaasi iyo diyaaraddaasi ka hadlayay oo wakhti dambe ka sheekeeyey waxa uu yidhi: “Nin ganacsade ah oo dillaal ah ayaanu u diranay dalka Ingiriiska si uu nooga soo iibiyo diyaarad tayo wanaagsan annaga oo u sii dhiibnay lacagtii diyaaraddaasi lagu soo qiimeeyey. Diyaaraddii ayuu noogu keenay Tel Aviv annana waxaannu siinnay lacag dillaalnimo ah. Waxa qorshuhu ahaa in Argentine lagu tago wafti ballaadhan oo Israel ka socda, kuwaasi oo qorshaha ugu weyn aannu ka dhignay in laga qayb galo xaflad ballaadhan oo dalkaasi Argentine laga diyaarinayay oo ah sannad guurrada 150aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimadooda oo Israel si rasmi ah loogu soo casuumay. Waftigaasi oo u badnaa xubno diblomaasiyiin iyo golaha wasiirrada ka tirsani may ogayn sababta aannu annaga oo dhawr ah oo sirdoonka ka soconaa u raacayno. Kama ay war hayn sababta aannu annaguna u raacayno ee aannu Argentine u tagayno iyo waxa aannu damacsanahay toona. Waxa kale oo aanay ogayn in aannu diyaaradda xaggeeda dambe ka diyaarsanay qol yar oo gaar ah oo aannu doonaynay in aannu ku soo ridno Adolf Aikhman oo ah ninka aannu doonaynay in aannu soo afduubno. Qolkaasi yari waxa uu ahaa mid alaab aannu ku dhex diyaarinay oo haddii la baadho aan la ogaan karayn in qof lagu riday waxaanan ku wareejinay biro iyo alaabo aan la fahmi karayn. Kooxda diyaaradda nala raacaysay ee xukuumadda Israel ka tirsanayd waxaasi oo dhan kama ay war hayn oo waxa ay kaliya moodayeen in aannu ilaalo ahaan iyo hawl sirdoonimo uun u raacayno maadaama ay sida kale na garanayeen in aannu hay’adda sirdoonka ka tirsanahay, haddana xaqiiqo ahaan may ogayn sababta rasmiga ah ee aannu u raacayno”. Raffi Ettien oo ay la socdaan dhawr xubnood oo Mossad ka tirsan iyo waliba waftigii kooxdii xukuumadda ka tirsanayd waxa ay caasimadda waddanka Argentine ee Benus Areas gaadheen 1-dii Bishii May sannadkii 1960-kii iyaga oo si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka Caasimadda dalkaasi, hab maamuus gaar ahna loo sameeyey maadaama Argentine wakhtigaasi soo dhawaynaysay madax badan oo adduunka ka kala imanaysay oo xafladda sannad guuradooda lagu soo sharfay. Diyaaraddooda waxba lagama shakisanayn in hawlo kale lagu fulinayay meel gaar ah ayaana loo dhigay iyada oo aan marnaba la baadhin lagana shakisanayn. Waftigii Yuhuudda ahaa ee isugu jiray labada kooxood balse Argentine halka wafti oo kaliya isku jeeddo ah ay u haysatay waxa la dejiyey huteel gaar ah oo ay sii diyaarisay safaaradda Yuhuudda ee caasimadda Argentine. Xubnihii sirdoonka Israel ka mid ahaa ee uu hogaaminayay Raffi Ettien hal habeen markii ay la joogeen waftigii kale ee xukuumadda dalkooda ayay isaga guureen waxaanay u guureen guri weyn oo dhawr qaybood isugu jira kalana xidhxidhan oo uu sii diyaariyey xubin Sirdoonka Mossad ka mid ahi gurigaasi oo ku yaalla xaafadda 7aad ee caasimadda oo ah goobaha ugu amniga wanaagsan ee ay deggan yihiin dadka ladani lagana shakiyin in wax dambiyo ahi ka dhacaan waana guriga ay doonayaan in ay ku fuliyaan hawl-galkoodan u qorshaysan ee afduubka ah. Gurigaasi oo ahaa mid aad u ballaadhan oo qolal badan leh una qaybsanaa saddex qaybood, lahaana beer iyo barxad weyn waxa ay sirdoonka Mossad ee uu hogaaminayay Raffi Ettien ula kala baxeen magacyo. Tusaale ahaan, qaybta uu degay isaga iyo dhawrka nin ee la socday waxa ay u bixiyeen magaca “Maacuuz” oo afka cibriga ku noqonaya “Deyr” kaasi oo ay ugu tala galeen in ay u adeegsadaan saldhigga laga hogaaminayo hawl-galka. Qaybta kale ee gurigaasi waxa ay u bixiyeen “TIRA” oo afka cibriga ee yuhuudda macnahiisu ku noqonayo “Qasri” kaasi oo ay ugu talo galeen in ay ku afduubaan ninka Adolf Aikhman oo ay ku xidhaan marka ay soo qabtaan iyo qaybta saddexaad ee dhismahaasi oo ahaa qolal badan oo ay ugu talo galeen in ay ninkan ay afduubayaan u badali karaan daqiiqad kasta oo ay ka shakiyaan in lagu daba jiro ama qorshahoodu faashil noqdo oo la daba galo. Waxa kale oo ay qorshahan afduubka ah kooxdani u diyaarsadeen in ka badan 12 baabuur oo ah kuwa dheereeya. ….La Soco Qaybo Kale Oo Xiiso Badan Cadadka Isniinta Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Bogga 6aad BANDHIGGA FOORE Jilaaga Caanka Ah Ee Van Damme Oo War Layaab Leh Ka Sheegay Nabi Muxammed Iyo Muslimiinta - “Nabi Muxammed Waxa Uu Yaqaannay Waxa U Wanaagsan Dhallinyarada Jiilkan Maanta” J ilaaga caanka ah ee Filimada Maraykanka ee Hollywood Jean-Claude Van Damme, dhalinyaraduna aadka u jecel yihiin filimadiisa iyo qaabkiisa jidh dhiska ayaa waxa uu sheegay in dhallinyarada adduunka looga baahan yahay in ay ku daydaan nidaamka cunto qaadasho ee Muslimiinta iyo in ay ku daydaan talooyinkii Nabi Muxammed NNKHA uu siiyay umadda ee la xidhiidhay dhinaca cuntada isaga oo sheegay in Nabi Muxammed Ahaa shakhsi aad u maskax badan oo fahmayay waxa u wanaagsan dhallinyarada jiilasha soo socda ee ka dambeeyey isaga. Jilaaga Filimada Action-ka ah ee aadka loo jecel yahay Vam Damme oo waraysi gaar ah siinayay barnaamij ka baxaya telefishanka MBC oo aannu idiin soo turjuntay waxa uu sheegay in uu aad ula dhacsan yahay habka cunto qaadasho ee sunnaha ah ee uu ka tagay Nabi Muxammed NNKHA isaga oo dhallinyarada ku boorriyey in ay raacaan hannankii Rasuulku u tilmaamay in ay umaddu wax u cunto iyo waliba gaar ahaan cuntooyinka Nabi Muxammed dhiirri geliyey in la cuno oo uu sheegay in ay faa’iidooyin gaar ah u leeyihiin dhallinyarada iyo qof kasta oo doonaya in uu caafimaad wanaagsanaado oo jidhkiisa dhiso. Van Damme oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Nabi Muxammed SCW waxa uu ahaa qof aad u maskax badan. Waxa uu garanayay waxa u wanaagsan jidhka caafimaad ahaan dhallinyarada jiilasha dambe ah. Sidaa darteed, u fiirso cuntooyinkii wakhtigiisii la cuni jiray ee uu dhiirri geliyey. Waxaad arkaysaa faa’iidooyinka ay caafimaad ahaan u leeyihiin jidhka. Aad u akhri mawduucaasi waxaad arkaysaa wax wanaagsan oo ay haystaan muslimiintu ama ay leeyihiin” ayuu Van Damme yidhi. Vam Damme ayaa dardaaran gaar ah u diray dhallinyarada doonaysa in ay jidhkooda dhisaan ee gaar ahaan jecel ciyaaraha iyo sportska ee si jidhkoodu u adkaado isticmaala kiniinada iyo daawooyinka la isku mudo waxaanu yidhi: “Waxyaabaha kordhiya awoodda jidhka iyo muruqyada ee daawooyinka ahi waa kuwo caafimaadkaaga u xun oo dhib u leh jidhkaaga shabaabka ah. Waxa muhiim ah in aad raacdaan nidaam cunto oo habaysan oo aydaan daawooyin qaadan sidoo kalena aydaan badsan hilibka”. Masaajid Cod-Baahiyihiisa Laga Shiday Hees Ay Qaaddo Fannaanadda Ummu Kaltuum Oo Muran Iyo Cadho Badan Dhaliyey D hacdo layaab leh oo muran iyo doodo badan dhalisay ayay noqotay markii laba wiig ka hor Masaajid ku yaalla magaalada Naablis ee daanta Galbeed ee Dhulka reer Falastiin laga saaray hees ka mid ah heesihii ay hore u qaadday fannaanaddii caanka ahayd ee reer Masar Ummu Kaltuum, heestaasi oo mid ka mid ah dadkii masaajidkaasi gacanta ku hayay uu sameecadaha manaaradda masaajidka ku xidhay cod dheerna me e l w a lb a o o u d h a w masaajidkaasi laga maqlayay heesta ka socota cod baahiyaha masaajidka, arrinkaasi oo noqday mid si weyn looga hadlay warbaahinta carabtana maalmihii ugu dambeeyey lagu faaqidayay iyada oo aan illaa hadda la ogayn ujeedada ninkaasi ka lahaa heesta uu masaajidka ka saaray ee codkeeda meelaha fog fog laga maqlay. Falkan oo magaaladaasi Naablis ka dhacay laba wiig ka hor ayaa waxa uu keenayaa in wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Falastiin ay baadhitaan xooggan ku hayaan sida falkaasi u dhacay kaasi oo keenay layaab iyo cadho badan oo ay dadka deegaankaasi ka muujiyeen falka ninkaasi ku kacay iyada oo aan la ogayn sababta ku kalliftay in uu cod baahiyaha masaajidkaasi ka baahiyo hees ay leedahay fannaanaddii Ummu Kaltuum. Mid ka mid ah culimada magaalada Naablis ee daanta galbeed ee dhulka reer Falastiin oo wakaaladda wararka ee Arab News Agency u warramayay waxa uu yidhi: “Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee falkan oo kale Falastiin ka dhaco dhawr dhacdo oo kuwan la mid ahina hore u dhaceen haddana waa ma r k i i u g u h o r a y s a y e e Masaajidka ugu weyn magaalada Naasblis aannu ku aragno falkan oo kale. Masaajidkaasi waxa uu ku yaallaa deegeenka Shaarac Baliblah ee magaalada Naablis. Inkasta oo nin falkan loo qabtay uu sheegay in ay ahayd khalad farsamo oo halkii uu quraan ka saari lahaa uu baddalkeeda hees ka saaray haddana baadhitaan ayaa lagu wadaa oo ciddii falkaasi gashay lama saamixi doono tallaabo ayaanan ka qaadi doonaa” Wakaaladda wararka ee ANA ee warkan aannu ka soo xigamay waxa ay sheegaysaa in dadkii ka ag dhawaa masaajidkaasi ay aad ula yaabeen markii ay ka war heleen sameecadaha waaweyn ee Manaaradda masaajidka oo ay ka baxayso hees cod dheer ku baxaysaa. Taasi oo keentay in dadkii goobta ka ag dhawaa ay taleefanadooda gacanta muuqaalo kaga duubaan masaajidka oo heesi ka baxayso kuna baahiyaan baraha xidhiidhka bulshada iyaga oo doodo badan iska waydaarsaday. Waddan Raggiisii Gaashaanka Ku Dhuftay In Ay Guursadaan Haweenkooda Kuna Daatay In Ay Guursadaan Haween Ajaaniba W addanka Kuwait oo ka mid ah dalalka Carbeed ku yaalla Khaliijka ayaa warbixinadii ugu dambeeyey ee dhinaca guurka iyo arrimaha qoysku tilmaamayaan in ragga dalkaasi naceen in ay nolol la qaybsadaan haweenka muwaadiniinta ah iyaga oo door bidaya in ay guursadaan haween ajaanib ah sannadihii ugu dambeeyeyna guurka haweenka ajaanibka ahi kor u dhaafay inta laga diiwaan geliyey guurka mu w a a d i n i i n ta r a g g a i yo haweenka reer Kuwait. W asa ar ad da C a dd aa l ad da waddanka Kuwait waxa ay shaacisay toddobaadkan in ay diiwaan gelisay tirada guurka dalkaasi ka dhacay 18 kii bilood ee ugu dambeeyey oo muujinaya in ragga dalkaasi guursadeen haween dalal kale u dhashay oo ajaanib ah marka la barbar dhigo guurka ay raggaasi guursadeen haweenka muwaadiniinta ah iyada oo warbixinta wasaaraddau muujinayso in guurka ragga Kuwait ee calmaday haween ajaanib ahi 18-kaa bilood dhan yihiin 3364 xaaladood oo guur ah oo u dhaxaysa sannadkii 2015 iyo lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2016 iyada oo tirada guurka haweenka muwaadiniinta ah la guursaday dhamayd wax ka yar 2345 oo xaaladood oo guur ah. Wasaaradda Caddaaladda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee dalkaasi Kuwait waxa ay sheegtay in ay sanandihii ugu dambeeyey mar walba kor u sii kacayaan codsiyada ragga reer Kuwait keensanayaan maxkamadaha sharciga ee qoyska, codsiyadaasi oo ay ku dalbanayaan guurka haween ajaanib ah, ha noqdaan kuwo ajaanib ah oo dalka ciqaamado ku deggan ama ha noqdaan kuwo dalal kale ku nool oo ay u dalbayaan sharci dal ku gal, jinsiyad iyo guur. Warbxintan oo aan ka soo xiganay telefishanka Ruushka ee RT waxa uu leeyahay inkasta oo dalka Kuwait dhiirri gelin ballaadhan u sameeyo guurka mu w a a d i n i i n ta r a g g a i yo haweenka reer Kuwait oo lagu siiyo lacago iyo adeegyo kale oo dhiirri gelin ah si dawladda dalkaasi u dhiirri geliso in raggu guursadaan haweenka dalkooda, haddana ragga reer Kuwait 15-kii sano ee ugu dambeeyey waxa ay mar walba doonaan in ay nolosha la wadaagaan haween aan kuwa dalkooda ahayn. Xukuumaddu waxa kale oo ay ragga u ballan qaaddaa in ay shaqooyin wanaagsan siin doonaan haddii ay guursadaan haween muwaadiniin ah balse wali ragga dalkaasi waxa ay la dhacsan yihiin haweenka ajaanibta ah, gaar ahaan dalalka kale ee carbeed iyo xataa ajaanib kaleba. Tiro-koobyo kale oo wasaaradda Caddaaladda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Kuwait soo saartay waxa ay ku sheegeen in ilaa bishii Januray ee sannadkan 2016 tirada guur ka dalkaasi l a g a diiwaan geliyey dhammayd 4 7 6 6 xaaladood oo guur ah waxaana haween ajaanib ah ka ahaa 3054 xaaladood, waana korodh layaab leh oo muujinaya sida ragga dalkaasi u calmanayaan haween ajaanib ah halkii ay haweenka dalkooda ka guursan lahaayeen. Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Diego Costa: “Waa La I Amaani Lahaa Hadii Aan U Ciyaari Lahaa Real Madrid Iyo Barcelona Midkood” W eeraryahanka xulka Spain Iyo Kooxda Chelsea Diego Costa ayaa u jawaabay dadka dhaleeceeya isagoo shaaca ka qaaday inuu ammaan ku heli lahaa bandhigiisa kulankii Belgium-ka haddii uu u ciyaari lahaa Real Madrid Iyo Barcelona. Xiddigan reer Chelsea ayaa ka qeyb qaatay goolka hore labada gool oo uu dhaliyay David Silva, kulankii ay Spain 2-0 ku garaaceen Belgium ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Brussels. Diego Costa ayaa baddal kusoo galay ciyaarta daqiiqadii 27-aad markii uu badalay Al varo M orat a oo dhaawacmay, balse wuxuu garoonka ka baxay markii ay ciyaarta dhamaatay isagoo ka cadhaysan sida ay mar walba saxaafaddu uga hadasho arrimahiisa. “Hadii aan ahaan lahaa ciyaaryahan ka tirsan Real Madrid iyo Barcelona, waxaad i odhan lahaydeen waad wanaagsan tahay” ayuu Diego Costa u sheegay saxaafadda. “ W a x a a n ciyaaray kulamo xun. balse xitaa haddii aanan gool dhalin, runta ayaana ah in sidaas la yidhaahdo. w a x a a n khasaari yay goolal, balse way iman doonaan. Saxaafaddu been ma sheegin markii ay wax badan sheegeen inaan wax weyn u qaban xulka, balse waa inaad sheegto wanaageyga marka aan wanaagsanahay”. Diego Costa ayaa dhaliyay kaliya 1-gool, 11-kulan oo uu kasoo muuqday Spain, 27-jirkan heerka caalami ayaana cadaalad u arka in lagu dhaleeceeyo bandhigiisa kulankii Belgium. “Waxay ila tahay in k u l an k a ni uu a ha a ki i i i g u wanaagsanaa qaranka. lama mid ah mararka kale markaas oo aan ka t agay anigoo dhi bt oon”. Ugu dambeyntii Diego Costa ayaa filanaya i nuu kasoo m uuqdo kul anka Liechtenstein ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2018 ee waddamada yurub, wuxuuna qabaa in saxaafadda Spain ay cadaalad daro kula dhaqmaan. Diego Costa ayaa doonaya in uu horumar ka sameeyo xulkiisa. ciyaartoygu haddana waxa ay doonayaan in ay Bisha January soo i ibsadaan halyeygan. Antoni o Griezmann ayaa xasilay Spain iyadoo Red Devils ay u suuragali wayday inay xiddigan kasoo kaxeyso Vincent Calderon, balse haatan waxey mar kale doonayaan inay isku dayaan saxiixiisa 2017. Wariyaha Bleacher Report Dean Jones ayaa ku warramay in Antoine Griezmann uu ku jiray liiska ciyaartoyda uu Jose Mourinho ka doonayay suuqa kala ii bsiga ciyaartoyda xagaagan. Xiddigii ugu fiicnaa koobka Euro 2016 ayaa la qorsheeyay inuu Zlatan, Bailly, Mkhitaryan iyo Pogba kula soo biiro Old Trafford, balse heshiiska cusub oo uu kooxdiisa u saxiixay ayaa wax walba hor istaagay. Dhanka kale Wayne Rooney ayaa ballaadhiyay mudada uu ciyaaraha kusii jirayo isagoo doonaya inuu sii ciyaaro ilaa koobka Aduunka 2018 ee lagu qaban doono Russia. Bishii lasoo dhaafay ayuu Griezmann amaan ugu deeqay kooxda Manchester United isagoo leh: “United waa kooxda ugu waanaagsan oo uu Paul Pogba u ciyaari lahaa”. ‘Manchester United waa koox igu wacan aniga, iyadoo Mourinho uu sameyn doono wax cusub” Ayuu yidhi Antoine Griezmann oo saxaafadda la hadlayay dhawaan. Warbixin: Manchester United Oo Dooneysa Antoine Griezmann S Uu Baddal U Noqdo Kabtan Wayne Rooney S ida ay sheegayaan warbixino ka imanaya waddanka Ingiiiska kooxda kubadda cagta ee waddankaasi ee Manchester United ayaa bartilmaamed ka dhiganaysa weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka France Antoine Griezmann si uu badal ugu noqdo kabtan Wayne Rooney. Inkasta oo uu habeen hore x i d hm ay su uq a k al a i i b si g a Bogga 7aad Real Madrid Oo Ka Naxadya Alvaro Morata Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Saaxiibtinimo Ay Spain Iyo Belgium K ulanka ugu muhiimsan ee xulka Spain waa kulanka Isniinta ay la ciyaarayaan xulka Liechtenstein ee isreebreebka Koobka Adduunka laakiin intii ay socotay kulankii saaxiibtinimo ee ay ka badiyeen habeen hore xulka Belgium, weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata ayaa waxaa dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 23aad. Dhaawacaasi oo naxdin ku noqday macallin Zidane iyo guud ahaan Real Madrid. Diego Costa ayaa beddelay xiddigii hore ee Juventus ka dib jug Morata ka soo gaadhay jilibka ama muruqa ka koreeya taasoo keentay inaanu ciyaarta sii wadan karin. Inkastoo aan loo soo yeedhin tartanka Euro 2016 haddana tababare Julen Lopetegui ayaa soo geliyay Diego Costa iyadoo saxiixa cusub ee Barcelona Paca Alcacer uu kursiga keydka fadhiyay. Morata ayaa toos u tagay qolka labbiska si uu u la kulmo dhakhaatiirta kooxda, islamarkaana baadhis loogu sameeyo inta uu le’egyahay dhaawaciisu. Ciyaartoyda ku dhaawacma kulamada saaxiibtinimo ee heerka caalami ayaa loo yaqaanaa ‘Fifa virus’ waxaana markiiba dhaawaca Morata warbaahintu ciwaano ka dhigteen FIFA Virus oo haleelay Morata waxaana aad uga naxay dhaawiciisa maamulka iyo taageerayaasha Real Madrid. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa wali wax war ah oo rasmi ah ka soo saarin dhaawaca xiddigoodan iyaga oo aad uga walaacsan maadaama uu kooxda hore uga maqnaa Ronaldo oo dhaaawac ku maqnaa oo ay is lahaayeen Morata ayaa gool-dhalinta wax idiinka tari doona mudada Ronaldo maqanyahay Arsenal Oo Xaqiijisay In Saxiixooda Cusub Shkodran Mustafi Uu Diyaar U Yahay Kulanka Southampton Gabriel Jesus Iyo Neymar Oo Guul Gaadhsiiyay Brazil Iyo Lionel Messi Oo Guul Ugu Soo Laabtay Argentina B razil ayaa gaadhay guushii sadexaad ee kulamada isreebreebka koobka Adduunka wadamada Koonfurta America markii ay ka tallaabsadeen Ecuador. Saxeexa cusub ee Manchester City Gabriel Jesus ayaa laba gool ka qeyb qaatay halka kabtan Neymar Jr uu gool kale kusii daray taasoo macalin Tite ka saaciday inuu guulo ku bilowdo isreeb-reebka. Celesao ayaa jabiyay rikoodh ay sannado raadinayeen maadaama ay guul ka gaadheen markii ugu horeysay xulka Ecuador tan iyo sanadkii 1983. Guushan ay gaadheen Brazil ayaa ka dhigan inay soo tiigsadeen booska 5-aad ee kala horeynta isreeb-reebka wadamada Koonfurta America iyagoo leh 12dhibcood, waxeyna 2-dhibcood ka hooseeyaan Argentina oo hogaamineysa groupka. Dhanka kale Argentina ayaa dib usoo dhaweysay kabtankooda Lionel Messi kulankii ay guusha ka heleen Uruguay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 ee wadamada Koonfurta America. Laba bilood ka hor ayuu go’aansaday inuu isaga tago doorkiisa qaranka, balse tababare Bauza ayaa ku qanciyay inuu dib ugu soo laabto habeen horena wuxuu noqday geesiga garoonka markii uu dhaliyay goolka qudha oo ay guusha ku heleen. Leo ayaa daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta s h a b a q a s o o t a a bt a y b a l s e dhamaadkii ciyaarta waxaa Argentina kaadhka cas ka qaatay da’yarka Juventus Paulo Dybala kaas oo kaadh l abaad guddoom ay. Guushan Argentina waxay ka saaciday inay hogaanka u qabato kala sarraynta groupka isreeb-reebka Koobka Aduunka iyagoo dhibci qudha ka wada sarreeya waddamada Uruguay, Colombia Iyo Ecuador. Natiijooyinkii kale ee iseeb -reebka koobka Adduunka waddamada Koonfurta America ee dhacay waxaa ka mid ah Chile ayaa guuldaro kala kulantay K Paraguay kulan Medel uu casaan qaatay, Vidal ayaana dhaliyay goolka qudha ee Xulka Chile, halka Oscar Romero iyo Paulo da Silva ay dhaliyeen goolasha Paraguay. Bolivia ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay Peru, halka Colombia ay iyana 2-0 ku g a r a c d a y V en e z e ul a, Ja m e s Rodriguez ayaana shabaqa soo taabtay halka sidoo kale Macnelly Torres uu isna gool dhaliyay, xulka Venezuala ayaana laba casaana la siiyay Feltscher iyo Angel ayaana laga saaray qeybahii ugu dambeeyay ciyaarta. ooxda Arsenal ayaa xaqiijisay i n s a xi i x o o da c u s u b Shkodran Mustafi inuu diyaar u noqon doono kulankooda xiga ee horyaalka ka dib cabsi dhaawac oo soo wajahday horaantii isbuucaan. Daafaca dhexe ayaa ciyaaray kulankii Germany iyo Finland ee habeenkii arbacada laakiin waxa uu ka dhaawacmay canqowga qeybtii labaad ee ciyaartaas. Mustafi ayaa ku sii jiray garoonka laakiin waxaa jiray walaac laga qabay in dhaawaca uu noqon karo mid halis ah. Waa mid ka mid ah saxiixyada cusub ee Arsenal iyagoo kala soo wareegay kooxda Valencia xagaagan adduun lacageed oo gaaraya 35 milyan ginni. Kulanka soo socda ee horyaalka ee ay Arsenal ciyaareyso waxa ay la dheeleysaa sabtida 10ka September kooxda Southampton, Mustafi ayaana la filayaa inuu kulankaas safto markiisii ugu horeysay isagoo xiran maaliyada Gunners. Masuuliyiinta kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Arsenal ayaa sheegay in Mustafi uu buuxin doono kaalinta daafac ee kooxdu muddoba ka dhutiyaysay oo ay waliba taageerayaasha kooxdu u hamuun qabeen in ay arkaan kooxdooda oo difaaceedu aad u adag yahay maadaama ay sannadihii ugu dam beeyey macallinkooda ku dhaleeceeyaan in uu difaaca kooxda jilciyay oo aannu xiddigo adag oo daafac ah kooxda keenin taasoo keentay in Arsenal xagga dambe ka furanto oo haddii ay gool dhaliyaan markaaba laga daba keeno goolal badana uu shabagoodu qaabilay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey. Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected] Vol. 5 Cadadka 962aad. Sabti 03 September, 2016 Xildhibaano Si Adag U Difaacay In ……………… xildhibaanadda ay isku golaha yihiin ee k a soo jeedda gobolka Awdal iyo sidoo kale salaadiinta gobolkaasi. Arrintaasi oo ku saabsan lixda goobood ee ku yaalla woqooyiga gobolka Maroodijeex ee hore muranku uga taagnaa, oo ay dhawaan shaacisay xukuumadu in laga qabanayo diiwaangelinta c o d b i x i y e y a a s h a . Xildhibaanadani oo shalay warbaahnta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxay kala ahaayeen xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel, xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, iyo C/laahi Xuseen Cige (Blacki), waxaanay ugu baaqeen in dadka siyaasiyiinta ah ee arrintaasi ka hadlay ee ku baaqaya colaadda iyo dhibaatadda in ay joojiyaan hadaladda cunsuriyadaysan. C/kariin Aw Cali Shabeel, oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha reer Awdal ee sida xun uga hadlay arrintaasi ay meel kaga dhaceen dastuurka qaranka Somaliland iyo xuquuqda dadka degaankaasi. Waxaanu yidhi “Sida aan la wada socono awaamiir ayay dawladu ka bixisay goobaha woqooyiga ee lagu mursan yahay, oo ah in la geeyo sanduuqyadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha goobahaasi oo ka tirsanaan jiray degmadda Hargaysa, i l aa i mi kana ka mid ah. Iyadoo aanu cuskanayno xeerka Lanbar 23/2002 ee xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka sida ku cad isagoo ka soo dheegtay qodobadda dastuurka ee arrintaasi ka hadlaya, kaasi oo dhigaya in lixdii degmo ee hore sidoodii lagu daayo ilaa inta la kala xadaynayo”. Mar uu ka jawaabayay dhawaaqyadda ka soo yeedhaya siyasiyiinta, madax dhaqameedka iyo xildhibaanadda reer Awdal, waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay oo maalmahanba warbaahinta laga sii daayay dad arrintaasi deedifaynayay, taasina waxaanu u aragnaa in ay leeyihiin dawladi ma jirto, kooxi wax ma kala xadayn karto, qabiil-na wax ma kala xadayn karro, xukuumadda ayaa arrintaasi u igman. Waxaanan u aragnaa in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay qaranimadda. Ma cuskanayo anigu qabiil baa dega ama reer gaar ah ayaa dega, Somaliland wakhtiyadda ay xaaladuhu adag yihiin cid waliba way ku baxdaa, oo way degaan dadkuna xuduudo ha kala lahaadee, hadana dhulka waa la wada deganaa, oo biyaha iyo daaqa intaba waa la wada lahaa, laakiin wax laga sameeyo naxli iyo dhibaato laga abuurro arrintaasi ma aha”. Waxaanu intaasi ku daray xildhibaan Shabeel. “Waxaan leeyahay dadka durbaanadda beenta ah meelahaasi ka tumaya eek u hadaaqaya arrin aan sharci ahayn, in ay ka waantoobaan oo ay dib isugu noqdaan”. Sidoo kale xildhibaan Shabeel, ayaa xukuumadda ku hambal yeeyay go’aankaasi ay gaynayso sanduuqyadda diiwaangelinta lixdaasi goobood.Arrintaasi ay xukuumadu jidaysay, waanu soo dhawaynaynaa, w a a n a n u k u hambalyaynaynaa, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, go’aankaa xalaasha iyo cadaaladda ah ee uu qaatay oo in badan laalaaday, xaq darro iyo dulmina ku laalaaday, sida xaqiiqadu tahay. Go’aankaa uu maanta gaadhay madaxweynuhu-na waa mid cadaalad ku dhisan, waana ILLAAHAY mahadii, xukuumadana mar labaad waanu ku hambalyaynaynaa. Waxaanan ILLAAHAY ka rejaynayaa in arintaasi ay si nabadgeliyo ah oo wanaagsan ay ku soo dhamaato. Dadka degaanka ah ee halkaa degan ama woqooyiga Hargaysa kuwa degan, xaq bay u leeyihiin oo waa qodob dastuuri ah in ay codeeyaan, xuquuqda ay leeyihiina cid is-hortaagi kartaa ma jirto” ayuu yidhi xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aduunyadda seben aakhirka waxaa la arkaa dadkii salaadiinta ahaa, masuuliyiin, iyo dadkii wax loo dhiibtay ee ay ahayd in ay dadka kala qabtaan oo ay kala celiyaan, oo nabadgeliyadda ILLAAHAY bixiyay, ee uu ina siiyay, ee aan ku naaloonayno ay doonayaan in ay kala daadiyaan. Marka s ul d aa nki i af ki i su n oq d a y dagaalama, waxba ma hadhin. Ninka suldaanka sheeganaya iyo ninka xildhibaanka sheeganaya, iyo ninka masuul ka sheeganayaa uu yidhaahdo dadkoow dagaalama, wax hadhay ma jiraan, waatii ugu danbaysay oo waa aakhiru-sebenkii” ayuu yidhi xildhibaan Xaashi. Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Fidnadu way ka daran tahay dagaalka oo way ka xun tahay, nimanka fidnadda la wareegaya, ee xumaanta la wareegaya. Maanta waxaynu maqalnay dad ayaan la diiwaangelinin, ummadda meel ku nool ayaan la diiwaangelinin ayaan maqlaynaa, oo dadkaa xuquudoodu ha lunto. 1960-kii, lix degmo ayay ahayd Somaliland waana la wada Bogga 8aad garanayaa. Waxaa inoogu taalla inaga dastuurkeenna lixdaa degmo ee jiray 1960-kii ayaa gobollo noqonaya, mid walaba-na xuduudkii ay lahayd ayay lahaanaysaa. Waxaanu leenahay, xuquuqda ummadda ayaan l aga hor imanin, dadka ayaan la iska hor keenin, waxa aan jirin ayaan la s am ay ni n, o o aa n l a i s k u deyin humaag aan jirin in loo sameeyo dadka”. Waxa kale oo uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi in ay xukuumadda ku hambalayaynayaan sida ay ugu dhiiratay in lixdaasi goobood laga qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka degaankaasi in ay helaan. “Xukuumadan maanta joogtaa, waxyaabo badan ayay ku dhiiratay. Maantana waxay ku dhiiratay intii la laalayay goobahaasi in ay tidhaahdo waa la diiwaangelinayaa dadka, waanan ku hambalyaynay-naa. Waxaananu leenahay xukuumadda dadka waa la iska hor keenayaa, dalku isagoo lix gobol ah ayaa qaar kale oo badan lagu daray, iyadoo lix degmo ah ayaa kuwo kale lagu daray, idinku ha noqonina kuwa sii kordhiya ee dadka iska hor keenna, balse waxaad samaysaan kala xadeeya maamul ahaan si aanay dadku isaga hor iman. Madaxweyne sidii aad ugu dhiiratay waxyaabihii hore laga baqayay, waxaad ugu dhiirataa in aad xad u kala samayso lixdii gobo lee hore, wixii kale iyagu waxay sugayaan in horta la ansixiyo”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed. Sidoo kale waxaa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Blacki), waxaanu yidhi “Waxaa maanta (shalay) halkan isugu kaayo keentay, oo anu ka hadlaynaa waa arrinta beryahanba hadal-haynteedu badnay eek u saabsan lixda goobood ee woqooyiga Hargaysa, lixdaa goobood oo in muddo ahba xuquuq ay lahaayeen dadka degaankaasi ka maqnayd. Maanta Wargeyska FOORE oo ka soo baxa Hargeysa, Somaliland, www.foorenews,.com, 4620929/4402360 ama e-mail: [email protected]