Somali information and survey leaflet

Transcription

Somali information and survey leaflet
FREEPOST
NHS Liverpool CCG
DIB-U-EEGISTA ADEEGYADA
WAXAA SAMEEYEY ISBITAALKA
HAWEENKA EE LIVERPOOL
Wax badan ogow
oo fikradahaaga
dadka la wadaag
29 Juun
ilaa 15 Agost
2016
Kooxda Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka Qaranka ee NHS Liverrpool (CCG),
CCG-ga Koofurta Sefton,CCG-ta Southport iyo Formby,
CCG-ga Knowsley iyo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool oo wada shaqeynaya.
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
Maxaa dhacaya?
Adeega Caafimaadka Qaranka ee NHS ta
ah waxa uu eegayaa sida adeegyada uu
bixiyo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
mustaqbalka loo sii hagaajin karo.
Adeegyada uu Isbitaalka Haweenka ee
Liverpool bixiyo waxaa ka mid ah:
Niyonatoloji
(oo loogu tallogalay ilmaha dhiciska ah iyo
kuwa dhashey ee liita/xanuunsan)
H
ooyonimada
(oo loogu tallogalay haweenka uurka leh
iyo hooyooyinka dhawaan ilmo dhaley)
Geyniokoloji
(oo loogu tallogalay haweenka
ay heystaan dhibatooyin hubnaha
tarankooda la xiriira)
Suuxinta,qolalka qaliinka iyo Unugga
kuwa daryeelka dheeriga ah u baahan
(oo loogu tallogalay haweenka inta uu
qaliinka u socdo iyo ka dibba)
Daawada Dhalmada/Taranka
(oo dadka ku caawinta in ay uur
yeeshaan – daaweynta bacriminta)
Jeneetikis
(oo dadka ku caawinta fahamka
taariikhda caafimaadka qoyskooda oo ay
ku ogaanayaan raad-raaca jiiniskooda
(genes)iyo sida ay tan wax u yeeli karto
natiijada baaritaakooda caafimaad/
daaweyntooda).
3
Sabab?
Umulisooyinka,kalkaaliyeyaasha iyo
Takhaatiirta waxa ay aaminsan yihiin
inay dadka heli karaan daryeel kan ka
sii fiican haddii si sidan ka duwan wax
loo sameyn lahaa.
Tan waxaa u sabab ah in:
Baahida bukaanada baa wax
iska bedeleen
Waxaa jira siyaabo cusub oo bukaanada
loo daryeelo iyo heerar heer qaran ah oo
kuwa jira ka sareeya
Sida daryeelka hadda loo bixiyo
ma aha mid la sii awoodi karo.
Sidee baan arrinta uga
qeybqaadan karaa?
Inta u dhexeysa 29 Juun iyo 15 Agost
2016 baan rabnaa in aan maqalno
fikradaha aad ka qabto sababaha wax loo
bedelaayo,iyo waxa mudnaanta kuu leh,
si ay noogu suurtogasho in aan fikradaha
na soo gaara u adeegsano dejinta
qorsheyaal mustaqbalka loogu tallogalay.
Buug-yarahan waxaa ku qoran macluumaad
arrimahan ku saabsan iyo faahfaahinta sida
aad fikradahaada noola wadaagi kartid.
Magacyada bukaanada waxyaabo
faahfaahinta qofka lagu garto ah waa la
bedeley si waxa shakhsiga u gaarka ah
loogu xafido, laakiin tusaallooyinka la
soo qaatey waa wax ku saabsan waayoarragnimo dhab ah oo lala kulmey.
4
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
Maxay tahay sababta
loogu baahan yahay in
ay adeegyada wax iska
bedelaan?
Bukaanadii baa isbedeley laga bilaabo goortii
isbitaalka la furey oo 20 sano ka badan aheyd:
aween qaba dhibaatooyin caafimaad
H
oo daran oo aan awoodi jirin in ay ilmo
dhalaan baa hadda ilmo dhali kara.
Haweenkan waxa ay u baahan karaan
daryeel dhinacyo badan inta ay uurka
leeytihiin, kaas oo ay ka helaan kooxo
uusan saldhigooda aheyn Isbitaalka
Haweenka ee Liverpool. Waxaa
dhaceysa in bukaanada la sii gudbiyo,
mararka qaar ambalans lagu sii
qaado. Sidan ma waafaqsana heerarka
daryeelka caafimaad ee qaranka mana
ah wax ay haweenka waayo-arragnimo
wacan kala kulmayaan.
Goobta loo baahan yahay ee lagu
daryeelayo ilmaha liita waxa ay u
baahan tahay in la ballaariyo si loo
gaaro heerarka daryeel loona dhimo
halista lahaan-kaca (infekshinka)
lagu qaadi karo. Tirro sii kordheysa
oo aan horey noolaan karin baa
hadda noolaata, waxaana jira ilmo
ay tirradooda sii kordheysa oo ah
u baahan daryeel takhasusaad leh.
Ilmaha qaliinka u baahan waxaa hadda
ambalans looga sii qaadaa Isbitaalka
Haweenka ee Liverpool waxaana la
geeyaa Isbitaalka Carruurta ee Alder
Hey si qaliin loogu sameeyo.
axaa sii badanaya haweenka ilmaha
W
dhalaya goor dambe oo cimrigooda ah.
Inta ay haweenka sii gaboobayaanba uur
qaadistooda / imo uur ku sidkooda waa ay
sii adkaaneysaa, taasna waxa ay la micno
ahaan kartaa in ay haweenka daryeel uga
baahdaan kuwo takhasusaad leh oo ay
isbitaalo kale u saldhig yihiin.
Guud ahaan haweenka cimrigooda waa
uu sii kordhayaa tirro tii hore ka badan oo
haween ah baa u adeegyada geyniokolojiga u
baahan. Tan micnaheedu waa kororsiimada
baahidda adeegyada loo qabo iyo kororka
bukaano baahiyo caafimaad oo daran
qaba una bahan kara inay daryeel ka
helaan takhaatiir takhasusaad leh oo
isbitaalo kale jooga.
W
axaa sii kordhaya kansarada ku dhaca
xubnaha taranka haweenka oo takhaatiirta
waxa ay ku sameeyaan qaliino adag.
Mararka qaar qaliinadan waxaa ka
qeybqaata tirro takhaatiir takhasusaad leh
oo isbitaalo kala duwan ka yimaada, taas
oo la micno ahaan karta in haweenka ay
xaaladooda daran tahay loo sii gudbiyo
inta u dhexeysa Isbitaalka Haweenka
ee Liverpool iyo isbitaalo kale inta ay
daaweyntaa u socoto.
5
6
MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN?
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
7
Waxaa jira siyaabo cusub oo bukaanada loo
daryeelo waana in daryeelkan lagu bixiyo heerar
kuwii hore ka sareeya.
Waxaa jira tirro waxyaabo adag oo na horyaala oo aan sida ay hadda wax
u diyaarsan yihiin lagu xalin karin.
Xaalada qaar, adeegyada ma gaarsiisana heerarka qaranka ama tilmaan bixinta wax
qabadka ugu wacan loogu tallo galay. Tan micnaheedu waa in aysan daryeelka ay
bukaanada helaan iyo waayo-arragnimada ay la kulmaan aheyn kuwa ugu wanaagsan ee ay
heli kari lahaayeen.
Tirro sii kordheysa oo bukaanada ka mid ah ayaa u baajhan adeegyo ay isbitaalo kale ka
helaan oo waxa ay u baahan yihiin in inta ay daaweynta u socoto loo sii gudbiyo.
Sanadkii 2014/15, waxaa jirtey in ka badan 800 oo
haween iyo ilmo markaa dhashey ah ambalans Isbitaalka
Haweenka ee Liverpool lagu keeney ama looga sii qaadey
intii la daryeelayey, oo badankooda la geeyey ama laga
keeney isbitaal Royal Liverpool iyo isbitaalka Alder Hey.
DHIBAATOOYINKA WAAWEYN EE AY UMULISOOYINKA,
KALKAALIYEYAASHA IYO TAKHAATIIRTA IFTIIMIYEEN WAA:
D
aryeelka kuwa aadka u liita
– Isbitaalka Haweenka ee Liverpool waxa
uu leeyahay unugga daryeelka kuwa aadka
u liita, oo lagu xanaaneeyo bukaanada
sida daran u jiran. Si loo gaaro heerarka
qaranka, unugga kuwa u baahan in
daryeel joogto ah loo fidiyo ee ku yaal
gudaha Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
waa in uu ku yaal meel ku xigta unugga
daryeelka kuwa aadka u liita. Sababta waa
in haweenyda si degdeg ah looga soo rari
karo unugga kuwa u baahan in daryeel
joogto ah loo fidiyo haddii ay xaaladeeda
ka sii darto. Hadda, waxaa dhacda in
bukaanada aadka u jiran ambalans lagu
qaado oo la geeyo Isbitaal Royal Liverpool
ama Isbitaalka Aintree University.
H
aweenka iyo ilmaha markaa dhashey ee ay
xaaladooda caafimaad daran tahay
- waxaa sii kordhaya haweenka iyo ilmaha
markaa dhashey ee xaalado caafimaad
oo daran qaba oo Isbitaalka Haweeka
ee Liverpool uga baahan in uu daryeelka
takhasusaad leh u fidiyo. Mararka qaar,
daryeelka takhasusaadda leh lagama
helo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool,
taasna micnaheedu waa in haweenka
iyo ilmaha malkaas dhashey ee liita
ambalans lagu qaado oo isbitaalo kale
la geeyo. Tusaale ahaan, ilmaha qaliinka
u baahan marka ay dhashaan waxaa loo
sii gudbiyaa Isbitaalka Caruurta ee Alder
Hey, ka hor inta aan loo soo celinUunugga
Daryeelka Kuwa Aadka U Liita ee ku yaal
gudaha Isbitaalka Haweenka ee Liverpool,
ama lagu daaweeyo Unugga Daryeelka
Ilmaha Sida Aadka u Liita ee ku dhex
yaal Isbitaalka Alder Hey – labadan wado
midkoodna looma heysto inuu yahay wax
qabadka ugu wanaagsan.
A
deegyada Dhiiga (hiimatoloji / batholoji)
– Baaritaanada dhiiga waxa ay takhaatiirta
ku kaalmeeyaan fahamka waxa aad qabto
iyo hubsiimada in aad daryeelka saxa ah
hesho. Adeegan ma aha mid isbitaalka
Haweenka ee Liverpool laga heli karo
24 ka saac ee maalinta, toddobada beri
ee toddobaadka. Tan micnaheedu in uu
isbitaalka ku tiirsan yahay adeegyada dhiig
ku shubka iyo sheybaarada laga helo
Isbitaalka Royal Liverpool. Tan waxa ay
dhib ka sii yeeleysaa maareynta xaaladaha
degdegta ah.
U
nugga daryeelka ilmaha markaas dhashey
oo aan boos ka baaneyn
– Unugga daryeelka ilmaha markaas
dhashey ee isbitaalka Haweenka ee
Liverpool waxa uu daryeelaa ilama
dhicisnimada ku dhashey, miisaankooduna
hooseeyo ama qaba xaalad caafimaad
oo daaweyn takhasusaad ah u baahan.
Unugga weynin ahaan kuma filna tirrada
ilmaha daryeelka uga baahan, ama kuwa
ay dhici karto inay mustaqbalka daryeel
uga baahdaan. Ilmaha unuggan jooga si
qaas ah bay infekshinka ugu nugul yihiin,
oo halista ay infekshinka ugu jiraana waa
ay sii kordheysa marka uusan jirin kala
fogaansho ku filan oo sariirada ilmaha
iyo agagaarahooda u dhexeeya. Meelaha
waalidiinta hoyga u noqda ee Isbitaalka
Haweenka ee Liverpool ku yaal waa ay
xadidan yihiin, taasna micnaheedu waa
in aysan dhamaan waalidiinta raba in ay
inmalhooda la joogaan goorta uu isbitaalka
daryelayo awoodin in ay sidaas yeelaan.
8
MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN?
SHEEKADA BUKAANKA:
ANITA
Anita waxaa Isbitaalka Haweenka ee Liverpool loogu sameeyey qaliinka
Geyniokolojiga. Intii uu qaliinka u socdey bay xaaladda adkaatey waxaana
loo baahdey in taageero degdeg ah laga helo takhtar ku takhasusey
qaliinka mindhicirka weyn qeybtiisa futada ku dhamaata iyo futadaba ee
jooga Isbitaalka Royal Liverpool. Anita waxa ay aheyd in la sii suuxiyo
muddo dheer inta ay kooxda (qaliinka) ay sugayeen helitaanka takhtarka
takhasusaada leh io inta uu u soo safrayey Isbitaalka Haweenka ee
Liverpool si uu qaliinka ugu kaalmeeyo. Ka dibna, Anita waxa ay u baahatey
in loo fidiyo daryeelka kuwa aadka u liita, oo aan isna laga helin Isbitaalka
Haweenka ee Liverpool. Tan micnaheedu waxa uu ahaa in Ambalans loogu
sii gudbiyo Isbitaalka Royal muddo labo maalin ah ka hor inta aan loo soo
celin waaxda Geyniokolojiga ee Isbitaalka Haweenka ee Liverpool.
Haddii kooxaha sameynaya qaliinada sidan u adag uu saldhigoodu
ahaan lahaa meel ku barbar taala meelaha ay kooxaha kale ee
qaliinka joogaan, waxaa dhici laheyd in wax raagista sidan ka
sii yaraan laheyd marka kuwo kale oo qaliin ku takhasusey loo
baahdo. Adeegyadan oo meel lala dejiyo adeegga daryeelka kuwa
sida aadka ah u liita waxa ay meesha ka saari laheyd baahidda
loo qabo in bukaanada aadka u jiran ambalans lagu qaad-qaado
oo meelo magaalada ku baahsan loo sii gud-gudbiyo.
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
9
Sida hadda adeegyada loo bixiyo
ma aha wax la sii awoodi karo
Sababta ugu weyn ee adeegyada dib-u-eegista loogu sameynayo waa in la sii hagaajiyo
daryeelka ay bukaanada helaan, laakiin iskama dhega tiri karno sida ay u darnan yihiin
ayna u sii kordhayaan arrimaha maaliyadeed ee isbitaalka horyaal.
Sababaha muhiimka ah ee ka dambeeya xaaladda maaliyadeed ee isbitaalka
Haweenka ee Liverpool horyaal waa:
owlada lacag cayiman bay isbitaalada
D
ku siisaa adeeg walba oo ay bixiyaan/
qabtaan. Cadadka lacagta her qaran
ayaa lagu go’aamiyaa. Lacagta uu
Isbitaalka Haweenks ee Liverpool
ku helo adeegyada Hooyonimada
kuma filna in ay daboosho kharashka
bixinta adeegyada ku baxa. Sanakii
20014/15 farqigan waxa uu ahaa £5.8
milyan. Isbitaalada ka sii waaweyn
ee kuwa guud ah farqiqan waxaa
lagu gudaa lacago ay adeegyo kale
ku helaan. Maadaama uu Isbitaalka
Haweenka Liverpool yahay mid yar oo
isbitaal wax ku takhasusey ah – oo
ay adeegyada hooyonimada ay yihiin
shaqada ugu badan ee uu qabto – ma
jiro dakhli adeegyo kale ka soo gala
oo uu waxa ka dhiman ku kabto.
Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
waa mid ka mid ah labada isbitaal ee
keligood taagan ee wadanka ku yaal.
Dacwado magdhow caafimaad ahaa
oo la xiriirey takhtar aan hadda
isbitaalkaba ka shaqeyn ayaa sababay
in uu si badan aad ugu kordho ceymiska
sanadlaha ah ee uu isbitaalka ku jiro.
Dhibaatooyinka maaliyadeed ma aha
kuwo sii dhiirigelinaya baahida wax
bedelaada loo qabo. Xitaa haddii
aysan lacagta dhibaato ka taagnaan
laheyn waxa ay umulisooyinka,
kalkaaliyeyaasha iyo takhaatiirta
weli waxa ay rabi lahaayeen inay
eegaan si sidan ka duwan wax
u sameynta, in ay daryeelka ka
yeelaan mid sidan ka wanaagsan
oo uga amaan badan haweenka iyo
ilmaha. Hase ahaatee, xaaladda
maaliyadeed waa in la xaliyaa si
adeegyada mustaqbalka loo difaaco.
10
MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN?
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
11
SHEEKADA BUKAANKA:
LISA IYO EMILY
Markii uu uurka Lisa gaarey 20 toddobaad buu iskanka muujiyey
in uu ilmaha ay uurka ku sido dhibaato kala kulmayoderbniga
ubucda. Ilmaha yar ee Emily ah waxa ay ku dhalatey habka
dhinac-jeexa hooyada ah ka dib markii foosha dhib kala
kulantay, markaas ka dib bay ayey xaaladeeda caafimaad
darteed Emily ugu baahatay in qaliin isbitaalka Alder Hey
loogu qaado.
Lisa waqti yar oo gaaban uunbay Emily arragtey ka hor inta
aan la wadin. Qaliinka Emily waa lagu guuleystey, markaa
labo beri ka dib ayaa Lisa laga soo saarey isbitaalka
Haweenka ee Liverpool si ilmaheeda iyo iyada loo kulansiiyo.
SHEEKADA BUKAANKA:
JANE
Jane waxaa isbitaalka Royal Liverpool loogu sameeyey qaliin weyn oo ahaa
ilmo-galeenka oo laga saaro, qaliinka mindhicirka weyn iyo saarista laba qanjir
ee ukumaha ilmo dhalista haweenka soo saara. Qaliinka habkan ah oo ay wada
sameeyaan takhtar qaliin guud iyo takhtar ku takhasusey qaliinka kansarka
ku dhaca xubnaha hab-nidaamedka taranka haweenka. Inkasta uu daryeelka
kalkaalinta ay Jane qaliinka ka dib heshay wanaagsanaa, ma aysan joogin
waard ay shaqaalaha jooga lahaayeen khibrad geyniokolji ahaaneed.
Qaliinka waxa uu Jane ka dhigey mid ay caadada haweenka ka joogsato,
laakiin shaqaalaha isbitaalka ma aysan awoodin in ay siiyaan la tallinta ama
taageerada qaaska ah ee ay u baahneyd. Jane waxaa lagula talliyey in ay tallo
ka doonato isbitaalka Haweenka ee Liverpool marka isbitaalka laga saaro ka
dib oo ay u socdaan ballamada raad-raaca ee amustaqbalka loo dhigi doono.
Haddii ay kooxaha daryeela bukaanada qaba xaalado adag oo uu hab-nidaameedka la
xiriira geyniokolojiyada uu saldhig u ahaan lahaa meel ku barbar taala kooxaha kale
ee qaliinka, haweeneyda sida Jane ah waxa ay daryeel ku heli laheyd deegaan kan jira
ka takhasusaad badan, oo si sida jirta ka wanaagsan baahidooda tallo iyo taageero
uga siin lahaa.
Haddii qaliinka ilmaha markaas dhashey lagu sameyn
lahaa qol qaliin oo ku barbar yaala unuga daryeelka
ilmaha dhashey, markaas ilmaha dhashey uma baahdeen
in amblans lagu qaado oo isbitaalka Aslder Hey loo sii
gudbiyo oo hooyadooda laga qaado inta la daryeelayo
dhalashadooda ka dib.
Sanadkii 2014/15 waxaa
isbitaalka Haweenka
ee Liverpool laga
qaadey 182 oo ilmo
markaas dhashey ah oo
waxaa loo sii gudbiyey
isbitaalka Alder Hey.
12
MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN?
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
SHEEKADA BUKAANKA:
CARLA IYO DANIEL
Carla oo Bootle ka timid, waxa ay dhashey ilmaha Daniel ah oo 28
toddobaad uurka ku jirey sababo la xiriira dhibaatooyin dhacey intii ay
uurka laheyd dartood. Markii uu dhashey ka dib, waxa ay noqotey in
uu Daniel toddobo toddbaad ku jiro unugga daryeelka kuwa aadka u
liita. Halka waalidka la dejiyo ee Isbitaalka Haweenka ee Liverpool ku
dhex taal waxaa isticmaalayiyey qoysas meelo halka ay ka timid ka
sii fog ka yimid oo waxa ay noqotey inay Carla maalin wal;ba soo raac
gaadiidka dadweynaha si ay isbitaalka u timaado. Waxa ay unugga dhex
joogeysey waqtiga ugu badan ee suurtagalka u aheyd laakiin waxa ay ku
qasbaneyd inay baxdo oo baska ugu dambeeya raacdo oo ay gurigeeda
aado. Sababao la xiriira waqtiyada safarka dartood bay Carla ku
adkaatey in ay si joogto ah caano (ilmaha) ku filan naaskeeda uga soo
godladaan oo waa ay caano yareysey, taas oo la micno noqotey inaysan
naas-nuujinta sii wadi karin.
Helitaanka Unug lagu daryeelo kuwa aadka u liita oo
weyn oo leh meel ay waalidiinta degi karaan waxa
ay la micno ahaan doontaa in hooyooyinka sida Carla
ah u baahan doonin in iyaga iyo ilmahooda markaas
dhashey meelo aan isku meel aheyn la kala geeyo.
13
14
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
15
Sidee loo gaari doonaa go’aan
mustaqbalka ku saabsan?
Kooxda Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka Qaranka ee NHS Liverrpool ayaa bishii
Maarj 2016 ku dhawaaqey dib-u-eegista adeegyada oo uu sameeyo Isbitaalka Haweenka ee
Liverpool. Laga soo bilaabo waqtigaas waxa ay adeegyada NHS-ta goobta eegista waxyaabaha
adeegyadan horyaal iyo ka fikirka sida ay dhici karto in adeeyadan mustaqbalka loo bixiyo. Tan
waxaa ka mid ah sahminta dhamaan wadooyinka furan ee la kala dooran karo, iyadoo ka dibna
inta la xulan karo la soo koobayo iyada oo mid walba lagu qiyaasayo tirro waxyaabo muhiim ah
oo looga baahan yahay.
SHEEKADA BUKAANKA:
MARY IYO MAX
Markii Mary, oo 46 jir ah, ay Isbitaalka Haweenka ee Liverpool timid si
loogu sameeyo dhalmada dhinac-jeexa ah ee la qorsheeyey, waxaa la
ogaaldey in uu garaaca wadnaheeda gaabiyo wadnaheeda oo ay wax
ka qaldanaayey darteed. Waxaa Mary ambalans loogu sii gudbiyey
Isbitaalka Royal Liverpool oo wax lagu rakibey aalada sida wadnaha u
shaqeynayaan lagu maamulo. Qaliinkii lagu sameeyey ka dib amaan u
ma aheyn in Mary Isbitaalka Haweenka ee Liverppool loo soo gudbiyo,
markaa bay kooxda hooyonimada u safreen isbitaalka Royal si ay ugu
sameeyaan dhalmadii dhinac-jeexa aheyd. Ilmaha Max ah si amaan ah
buu u dhashey, laakiin waxa ay noqotey in isagii dib looga soo gudbiyo
isbtiaalka Haweenka ee Liverpool oo uu waqti gaaban ku sugnaa gudaha
unugga daryeelka ilmaha markaas dhashey ka hor inta uusan aabihiisa
guriga u wadin.
Haddii adeegyada hooyonimada ee loogu tallogalay bukaanada
xaaladda halista ay ku jiraan sareyso ay ku barbar yaali lahaayeen
isbitaal xaaladaha daran ee dadka waaweyn , sida isbitaalka Royal
Liverpool, markaa looma baahnaan laheyn adeegsiga ambalans
si degdeg ah (bukaanada) u sii qaada. Waxaa kale oo hooyinka
daaweynta u socoto u sahlanaan laheyd in ay ilmahooda markaas
dhashey arkaan, maadaama ay isku goob ku wada sugnaan lahaayeen.
Kuwana waa:
T ayada:
Wadooyinka la kala dooran karo waxa ay
u baahan doonaan inay ahaadaan kuwo
haweenka iyo ilmaha markaas dhashey u
fidin karadaryeelka ugu heerka sareeya;
tusaale ahaan, iyaga oo wada kartida
lagu fulin karo hanashada tilmaan bixinta
qaranka iyo waxqabadka ugu wanaagsan.
S uurtogalnimada:
Wadooyinka la kala dooran karo waxa ay u
baahan doonaan inay ahaadaan kuwo lagu
dhaqaaqi karo marka la eegayo saameynta ay
ku yeelayaan shaqaalaha bixinaya adeegyada
haweenka iyo ilmaha markaas dhashey,
iyo in ay ahaan doonaan sida ugu wacan ee
dhismooyinka NHS-ta loo adeegsanayo.
M
aaliyadda:
Wadooyinka la kala dooran karo waxa
in ay ahaadaan kuwo la yimaada si
adeegyada loogu bixiyo si amaan ah
oo tayo sareysa ahna mid hadda iyo
mustaqbalkaba la awoodi karo.
W
axyaabaha heer degaan iyo mid
qaranba mudnaan ku leh:
Dib-u-eegista adeegyada haweenka iyo
ilmahaha markaas dhashey waa qeyb
Liverpool Caafimaad Leh ka mid ah, taas
oo ah qorshe shan sano ah oo caafimaadka
magaalada lagu horemarinayo. Wadooyinka
la kala dooran karo waxa laga eegayaa sida
ay u waafaqsan yihiin ujeedooyinka Liverpool
Caafimaad leh, sida halkii looga baahdo oo
ay isbitaal wax ku takhasusaad leh meel
dhexe u sameeyaan, iyo iyaga oo halkii ay
ka suurtogasho adeegyo sidan ka badan
bulshada goobaheeda ku siiya. Waxaa kale
oo la tixgelin doonaa sida ay u waafaqsan
yihiin Dib-u-eegista Hooyonimada Qaranka
oo tallooyinkii ka soo baxey la faafiyey bishii
Feberweri ee 2016.
Hab-nidaameedkan wax qiimeynta ah waxa uu soo bandhigi doonaa tirro
wadooyinka la kala dooran karo ee adeegyada lagu bixin karo, kuwaas oo
si rasmi ah dadweynaha loogu soo bandhigi doono si loogala tashado. Tani
waa goorta aan dadka weydiin doono fikradaha ay ka qabaan wadooyin la
kala doran karo oo horyaala ee mustaqbalka loogu tallogalay. Waxa aan
fileynaa in tan la meel-marin doono dabayaaqada 2016 ama horaanta 2017.
16
Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool
Ma waxa ay noqon
doontaa in adeegyada
qaar laga raro isbitaalka
Haweenka ee Liverpool ee
goobta Crown Street?
Si loo hubsado in ay adeegyada haweenka
iyo ilmaha markaas dhashey ee Liverpool
u waafaqsanaadaan heerarka qaranka,
waxa ay u badan tahay in waxyaabaha la
soo jeedinayo ku jiri doonto in ugu yaraan
qaar daryeelada hadda Crown Street laga
bixiyo loo raro goob ama goobo kale.
Ilaa aan ka dhameyno qiimeynta
wadooyinka la kala dooran karo ee
kala duwan – oo aan soo uruurino
fikradah ay dadka ka qabaan oo ah
qeyb hab-nidaameedkan ka mid ah
– waa goor aad u horeysa oo lama
bixin karo faahfaahin intan ka badan
oo ku saabsan kuwa ay yihiin tallo soo
jeedinmaha ay dhici karto inay ugu
dambeyn noqdaan kuwa dadweynaha loo
soo bandhigaya ee lagala tashanayo.
17
Dib-u-eegista
micnaheedu ma ahaan
karaa in ay goobta Crown
Street xiranto?
Ma jiro qorshe goobta lagu xirayo
oo haddii qaar ka mid ah adeegyada
isbitaalka Haweenka ee Liverpool la
raro waxaa la filayaa in uu Crown Street
sii wadi doono daryeelka NHS-ta oo uu
mustaqbalka sii bixiyo.
Ma waxbaa adeegyada
laga dhimi doonaa?
Ma jiraan wax qatar ah oo adeegyada naf
ahaantooda ku soo fool leh.
Hab-nidaameedkan waa wax ku saabsan
ii fiicneynta waxa aan hadda heyno iyo
difaacidda adeegyada mustaqbalka.
Yaa shaqadan
ku howlan?
Dib-u-eegista waxaa hogaaminaya Kooxda
Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka
Qaranka ee NHS Liverrpool (CCG), oo iskaashi
la leh Isbitaalka Haweenka ee Liverpool.
Kooxda Qandaraas Bixinta Liverpool
(CCG) ayaa ka mas’uul ah qorsheynta iyo
igadashada adeegyada isbitaalka iyo kuwa
caafimaadka bulshada ee dadweynaha
Liverpool loogu tallogalay. Waxa ay ka
kooban tahay wakiilo ka kala socdamid
kasta oo ka mid ah 93 rugaha caafimaadka
ee GP-yada Liverpool ku yaal ah.
Daryeelka uu bukaanada Liverpool siiyo
ku saa’id ah in uu isbitaalka Haweenka
ee Liverppol daryeelo dadweynaha ku
nool Sefton iyo Knowsley, markaa Kooxda
Qandaraas Bixinta koofurta Sefton,
Southport iyo Fromby iyo Kooxda Qadaraas
Bixinta Knowsley ayaa iyagana dib-ueegistan ka qeybqaadanaya.
Waxaa jira tirro ururo iyo hey’ado ah oo
dib-u-eegista ka qeybqaadanaya, kuwaas
oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Aitree
University, Isbitaalka Royal Liverpool iyo
Broadgreen, Isbitaalka Caruurta ee Alder
Hey, NHS-ta England, iyo Iskaashatada
Adeegyada Haweenka iyo Caruurta
Cheshire iyo Merseyside.
18
Sidee baan fikradaheyda
idinla wadaagaa?
Inta lagu jiro bilaha Juulay iyo Agost waxa
aan qabaneynaa tirro dhacdooyin ah oo
aad wax badan ka sii maqli kartid dad
dib-u-eegista ku hawlan, oo aad adigana
fikradahaaga dadka la wadaagtid.
21 JUULAY
Bridge Chapel Centre (Booth Hall),
Heath Road, L19 4XR
Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo
1.30 galab, dhacdada 2 galab – 4 galab
2 AGOST
Blackburne House,
Blackburne Place, L8 7PE
Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo
5.30 galab, dhacdada 6 galab – 8 galab
4 AGOST
PAL Multicultural Centre,
68a Mulgrave St, L8 2TF
Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo
1.30 galab, dhacdada 2 galab – 4 galab
10 AGOST
Oakmere Community College,
Cherry Lane, L4 6UG
Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo
2.30 galab, dhacdada 3 galab – 5 galab
Si aad u hubsato in aad dhacdada boos
ka hesho waa in aad marka hore iska
diiwaangelisid healthyliverpool.nhs.uk
ama soo wacdid (0151) 296 7537.
Si aad fikradahaaga dadka ula
wadaagtid, ama soo buuxi oo soo celi
foom-su’aaleedka gaaban ee buugyarahan ku lifaaqan amase soo booqo
healthyliverpool.nhs.uk si aad foomsu’aaleedka si online ah ugu buuxiso..
Waxa aan macluumaad saa’id ah iyo wax
waqtiga la socda la socodsiintooda ku bixin
doonaa bogayaga Facebook ah:
facebook.com/healthylvpool
twitter.com/healthylvpool
Si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho, ama
aad u codsato buug-yarahan oo qaab kale ah,
wax (0151) 296 7537. FOOM-SU‘AALEEDKA
Fadlan foom-su’aaleedkan soo celi ugu
dambeystii 15 Agost 2016.
Waan ka xun nahay laakiin xisaabta ku
darsan karno haddii uu taariikhdan ka dib
na soo gaaro.
Uma baahnid isticmaalka bakhshad
gooni ah – warqadda kore ee buugyarahan uun isku laab oo sajil si aad
bakhshad uga dhigato. Cinwaanka
xagga hore ku yaal waa freepost
markaa uma baahnid inaad tikidka
boosta ku dhejiso.
Macluumaadka aad bixisaa si sugan oo qaab elektroonik ah oo
waafaqsan Xeerka Badbaadinta Daataha bay Kooxda Qandaraas
Bixinta NHS-ta Liverpool u keydin doonaan. Waxa aan isticmaali
doonnaa goorta aan hawshayada iyo hab-nidaameedka caafimaadka
Liverpool kaala soo xiriireyno. Faahfaahinta dano kale dartood
luuguma iibin doono loogumana gudbin doono. Waxaa dhici karta
inaan macluumaadkan u dirno hey’adaha/ururada ay dhici karto inuu
naga dhexeeyo qandaraas qaanuuni ah sida shirkad ku hawlan habnidaameedkayaga isgaarsiinta ah. Haddii loo baahdo macluumaadka
si sugan oo heshiis qaanuuni ah ku xadidan baa loo wadagi karaa
iyada oo ujeedooyin qaas ah laga leeyahay. Daataha aad halkan nagu
siiso kuma dareyno mid kale oo ilo kale laga soo xigtey.
Qoy halkan
1 Waa maxay boost koodhkaaga?
4 Ma kula tahay in arrimaha caafimaad ee ay
adeegyada haweenka iyo ilmaha…
Waan isticmaaley/waan isticmaalayaa
Haddii ay saa tahay, fadlan sax inta aad
isticmaashey oo dhan
A. Hooyonimada
B. Geyniokolojiy
C. Qaliinka
D. Daaweynta bacriminta
E. Ilmaha sida daran u jiran
F. Jineetikiska
Qof igu dhow baa isticmaala/isticmaaley
Haddii ay saa tahay, fadlan sax inta aad
waayo-arrag u tahay oo dhan
A. Hooyonimada
B. Geyniokolojiy
C. Qaliinka
D. Daaweynta bacriminta
E. Ilmaha sida daran u jiran
F. Jineetikiska
Waxa aan ahay qof degaanka degan oo aan
adeegyadan soo isticmaalin
Waxa aan la shaqeeya dad
adeegyada isticmaala
Wax kale – fadlan sheeg…
3 Haddii aad adiga ama qof kuu dhow adeegyadan
isticmaasheen, fadlan sharax waayoarragnimada aad kala kulantay adiga oo saxay
a mid kuwa hoose ka mid ah:
Mid aad waxtar uleh Mid waxtar leh
Mid meel dhexe ah Mid wax dhimis leh
Mid aad wax u dhimis leh
Fadlan haddii aad doonto sharax sababta/midka uu
adeegga yahay…
5 Ma kula tahay in baahida bukaanada oo
sanadahan dhaw isbedeleysay ay tahay sabab
fiican oo adeegyadan wax looga bedelo?
Haa kuwan waa sababo wanaagsan oo wax
bedelaad loo sameeyo
Ma hubi in ay kuwan yihiin sababo
wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo
Maya, ila ma aha in ay kuwan yihiin sababo
wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo
6 Fikrad ahaan sideed u arragtaa muhiimada ay
waxyaabaha soo socda u leeyihiin sii hagaajinta
adeegyada haweenka iyo ilmaha? (Fadlan
sax LABADA ujeedo ee kuwa soo socda ugu
muhiimsan yihiin) Sax LABO keliyah
Amaanka bukaanka & daryeel tayo sareeya
Adeegyada oo maaliyad ahaan sugan
Daryeel waayo-arragnimo fiican laga helo
Daryeelka caadiga ah oo meel guriga u
dhow lagu helo
Adeegyada oo hal goob la isugu geeyo
Waqtiyada safarka
Wax fikrad dhiibasho ah….
7 D a’daadu waa intee?
18 ka yar
18-25
26-44
45-64
65-75
76+
In aanan shegin baan
door-bidayaa
8 Jinsi ahaan kee tahay?
Dhedig
Lab
Labeed
Wax kale
In aanan shegin baan door-bidayaa
9 Ma waxa aad isku tilmaantaa in aad tahay...
(waxa aad sixi kartaa wax hal ka badan)
Dhedig
Lab
In aanan shegin baan
door-bidayaa Waxa aan door-bidayaa in aan
is tilmaamo (fadlan cadey haddaad doonto)
Si si kale ah
10 Ma isku mid baa jinsiga aad hadda tahay iyo kii
aad ku dhalatay ee laguu qorey??
Haa
Maya
In aanan shegin baan
door-bidayaa Ma hubi waxa uu micnaha
su’aashan yahay
DHAQANKA GALMO AHAANEED
11 Ma waxa aad isku heysataa in aad tahay:
Mid lab iyo dhedigba la galmooda (Labeyste)
Mid lab ama dhedig midka uusan aheyn la
galmooda (Toosane) Qaniis/Qaniisad
Wax kale Ma hubi In aanan shegin
baan door-bidayaa
12 Ma kula tahay in aad laxaad la‘dahay?
Haa
Maya In aanan shegin baan doorbidayaa (fadlan qor haddii aad rabto)
DIINTA/CAQIIDADA
13 F adlan sax mid kuwa hoose midkood...
Buddhist Masiixi (Kirishtiyaan) Hindu
Jewish Muslim Sikh Diin laawe
In aanan shegin baan door-bidayaa
Wax kale (fadlan sheeg haddaad doonto)
ISIR AHAANTA
14 M
a waxa aad isku tilmaantaa in aad tahays...
Eeshiyaan ama Eeshiyaan Biriitaani ah:
Bangaladeeshi
Indian
Bakistaani
Eeshiyaan kale(fadlan qor haddaad doonto)
Shiinees ama Shiinees Biriitaani ah:
Shinees
Shiinees kale (fadlan qor
haddaad doonto)
Mid Isku Qas/dhal ah:
Eeshiyaan iyo Caddaan
Afrikaan & Cadaan
Madow Karibiyaan & Cadaan
Isku Qas/Iska Dhal kale (fadlan qor
haddaad doonto)
Koox Isir Kale ah:
Carab
Laatiin Ameerikaan
Wax kale (fadlan qor haddaad doonto)
Cadaan:
Biriitaani
Ingiriis
Ayrish
Iskootish
Welish
Boolish
Latfiyaan
Jibsi/Safraa
Cadaan kale (fadlan qor haddaad doonto)
In aanan shegin baan door-bidayaa
Ma rabtaa in uu wada
xiriirha noo sii socdo?
Inkasta oo sahankan yahay mid aan lagugu
aqoonsan karin, haddii aad rabi laheyd in lagugu
daro liiska dadka aan boostaha ugu dirno si ay
u maqlaan waxa xgga ee dhacaya iyo wararka
kale ee caafimaadka Liverpool ku saabsan,
fadlan halka hoose ku dhaaf macluumaadka ugu
badan ee aad reebistooda ku faraxsan tahay.
MAGACA:
MAGACA:
LAMBARKA TELEEFOONKA:
CINWAANKA:
Madow ama Madow Biriitaani ah:
Afrkaan
Karibiyaan Madow kale
(fadlan qor haddaad doonto)
BOOST KODHKA:
Waad ku mahadsan tahay foom
su’aaleedkan aad soo buuxisey
Qoy halkan
JEEX OO KA JAR LEENKA DHIBCAHA LEH
2 Fadlan noo sheeg danta aan kuugu jirta
Takhaatiirta isbitaalka Haweenka ee liverpool
ka soo warbixiyeen iyo baahida loo qabo
sii hagaajinta amaanka yihiin wax sababo
fiican u noqon kara in adeegyada daryeelka
caafimaadka wax laga bedelo?
Haa kuwan waa sababo wanaagsan oo wax
bedelaad loo sameeyo
Ma hubi in ay kuwan yihiin sababo
wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo
Maya, ila ma aha in ay kuwan yihiin sababo
wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo
Su’aalaha soo socda waa kuwo xoogaa shakhsi ahaan kugu saabsan waxa aadna dooran kartaa in aad halkan ku
joogsato haddii aad doonto, hase ahaatee, runtii waa ay na kaalmeyn laheyd haddii aad wada dhameystiri kartid.
Qoy halkan
DIB-U-EEGISTA ADEEGYADA WAXAA SAMEEYEY ISBITAALKA HAWEENKA EE LIVERPOOL.
2

Similar documents

KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?

KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada? danbaysa ayaynu xaqiiqsanaa inaynu illawnay qofkii aynu ahayn mar. Hase ahaatee waxwalba maad lumin! aad bay u fududahay in dib aad ugu xidhanto gudaha naftaada, ogaatto awoodahaaga daahsoon kedibn...

More information

MAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO

MAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO Tababareyaasha Caafimaadka waa xubno ka tirsan bulshada degaanka waxaana loo tababarey in ay taageeraan qof kasta oo raba go’aansado inuu sameeyo wax uu hab-nololeed si wax u soo kordhin leh wax ug...

More information