MAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO

Transcription

MAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO
XORNIMO U
NEEFSASHADA
MAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO
CAAFIMAAD QABA MUHIIM U YIHIIN?
Tilmaan-bixinta sida aad sanbabadaada
u daryeeleyso
Sidee baan sanbabadeyda u daryeeli karaa?
Bog 4 - Firfircoonida oo la badsado
Xitaa 10 daqiiqo oo maalintiiba ah wax weyn bay bedeleysaa
Bog 7 - Cunista quud miisaaman
Taageero lagaa siiyo go’aansiga wax xulasho halkii aad ka
awoodidba
Bog 10 - Joojinta Sigaar Cabista
Tan ma sahlana laakiin taageerada saxa ah waa ay jirtaa
Bog 16 - Hubi in aad tallaaladaada oo dhan qaadatid
Tan waa ay ku quseysaa haddii aad xaalad waqti dheer ku heysa ama
aad 65 jir ka weyn tahay
Bog 17 - Ogaanshaha callaamadaha xaaladaha
sanbabka, oo ay ka mid yihiin Xanuun Raagey oo
Sanbabada Xira (COPD) iyo kansarka sanbabka
Goor hore wax ogaanshaha ayaa taageeri karta daaweynta iyo wax
maamulidda
Waxaa buug-yarahan ku jira tallooyin badan waana muhiim haddii aad xaalaad
sanbab horey u qabatay
Marka kaalmo iyo taageero lagu siiyo xaaladaada waa aad maamulan kartaa
gacanna waad ka geysan kartaa sii hagaajinta guud ee caafimaadka sanbabka,
xitaa haddii aad waxbedelaadyo yar-yar sameyso.
Si aad u hesho wax macluumad dheeraad ah oo aad xaalad sanbab la noolashahay
booqo www.blf.org.uk ama wac KhadkaCaawinaada hey’ada the British Lung
Foundation (Hey’ada Sanbanka Biriitaaniya) 03000 030 555.
Si aad u hesho wax macluumad dheeraad ah oo ku saabsan dhacdooyinka
Barnaamijka Sanbab Caafimaad Qaba iyo Xornimo U Neefsashada fadlan booqo:
www.liverpoolccg.nhs.uk/health-and-services/healthy-lungs
2 | Xornimo U Neefsashada
?
Maxay tahay sababta aan
sanbabadeyda u daryeelayo?
Sanbabadaada waa
qeyb jirkaaga ka mid
ah oo maalin walba
shaqo adag u qabta
si aad u neefsato.
Hawada ayey Oksijiinta
ka soo qaadaan kuna
soo daraan dhiigaaga
oo waxa ay dhiiga ka
soo qaadaan karbondayokseyd oo hawada
ku soo daayaan. Si ay si
haboon ugu shaqeeyaan
bay unugyada jirkaaga
oksijiintan ugu baahan
yihiin.
Runtii nasiimo badan
ma helaan, hal
maalin waxa aad
neefsan kartaa ilaa
25,000 jeer!
Sanbabadaada waxa ay leeyihiin habnidaameed ay isku difaacaan oo ay wasakhda
iyo jeermiska isaga celiyaan laakiin dhowr shey
baa tan dhaawici kara, taas oo uu micnaheedu
yahay inaysan shaqadooda si wanaagsan u
qaban karin.
Warka fiican waa inay jiraan waxyaabo
badan oo aad sameyn karto si aad
sanbabadaada ku kaalmeyso si ay si
haboon u shaqeeyaan. Buug-yarahan
waxa uu ku siinayaa tallada aad u
baahan tahay ee aad sanbabadaada ugu
kaalmeyneyso u shaqeynta sida ugu fiican
ee suurtogalka ah.
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 3
S idee bay ahaanshaha mid
firfirfooni badan sanbabadeyda
u kaalmeyn kartaa?
Firfircoonida waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad sameyn
karto oo aad sanbabadaada ku daryeeli karto.
Ma aha oo keliyah inay sababadaada ka yeelayso kuwo sii xoogeysta oo kuu kaalmeeya in
ogsijiinta si fiican jirkaaga loogu qeybiyo, waxaa kale oo jirta in ay inay yareyneyso qatarka
dhalin karta inaad noqoto mid qaada xaalado waqti dheer kaa sanbabada kaaga dhaqa
sida Xanuun Raagey oo Sanbabada Xira (COPD). Firfircoonida waxa kale oo ay kaa caawinta
xukumaada miisaankaaga culeys ahaan. Tan waa muhiim oo waxa ay waxyeeli kartaa
shaqada uu sanbabkaaga qabto.
STan ma kula fiican tahay? Waxa aad sameyntooda u baahan tahay oo idil waa ogaanshaha
heerka saxa ah ee dhaqdhaqaaqa jismi ahaaneed ee kuu haboon si aad inta aad
nooshahay wanaagsanaan u dhareento…
Sii kordhinta heerarka firfircoonidaada waxa ay:
• ku siin kartaa tamar badan
• hoos u dhigi kartaa heerka
dhiig-karka sareeya
• xoojineysaa murqaha aad
neefsashada u isticmaasho
• xoojineysaa wadnahaaga siina
hagaajineysaa sida uu dhiiga
jirka ugu wareego
• yareynayaa qatarta dhalin karta
xaaladaha ay ka midka yihiin
arteraytiska, kaadi-sokorow,
wadno xanuun, xanuun si kadis ah
maskaxda ugu dhaca (stroke) iyo
kansarka
• yareynayaa qatarta dhalin karta
inaad dhacdo maadaama
ay sii xoojineyso xogaaga iyo
miisaankaaga
• yareyneysaa heerarka wel-wekka sa’idka ah (stress) kuguna kaalmeyneysaa
yareynta baqdinta (anxiety) iyo niyad-jabka (depression).
4 | Xornimo U Neefsashada
Ka waran haddii aan
horeyba u qabey dhib
caafimaad sanbabka iga
heysto?
Haddii aa qabto xaalad sanbab, inaad
firfircoonaato waa muhiim maxaa
yeelay waxa ay waxtar u lahaan kartaa
caafimaadka guud ee sanbabadaada.
Si jismi ahaan ah u firfircoonaanta
waxa ay kaalmeyn kartaa sii hagaajinta
neefsashadaadasiina hagaajineysa tayada
noloshaada. Waxaaba xitaa dhici karta inaad
awoodo sameynta waxyaabo aad moodeysey
in aadanba sameyntooda sii wadi karin.
Ahaanshaha mid firfircoon
sida aad moodeyso waa
ay ka sahlan tahay!
Waxaa jira waxyaabo badan oo kala
duwan oo aad sameyn karto si aad
firfircoonida u saa’idsato oo waxaa jira
heerar kala duwan oo ku kala haboon
dad kala duwan.
Xitaa haddii aad dareemeyso inaadan
caafimaad qabin oo oo ay neefta kuwo
xirmeyso marka aad hadda mid firfircoon
noqoto, wuxuba waa ogaanshaha waxa
kugu haboon iyo halka aad wax ka bilaabi
karto. U ma bahnid in aad orod maratoon
ah sameysocodsiiya iyo jardiin ka shaqeynta
waxaso; cadado yar-yar oo karti dhis ah
sida adiga oo eyga socodsiiya iyo jardiin
ka shaqeynta waxa ay ahaan karaan kuwo
wax weyn kuu soo kordhiya. Waxaa dhici
karta inay kaa yaabiso sida wanaagsan ee
ay noloshaada wax ugu soo kordhin karto.
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 5
Ilaa heerkee bay tahay in
aan u firfircoonaado?
Waxa aan dadka waaweyn (adults) waxa aan tallo ugu soo jeedinaa inay tiddbaadkiiba
jismi ahaan u firfirfoonaadaan muddo 150 daqiiqo ah (2 saac iyo 30 daqiiqo). Tan waxa
aad u kala jibin kartaa:
10
30
min
daqiiqo
min
!
30 daqiiqo
oo maalin
walba ah oo
5 maalmood
ah
min
150
10
min
daqiiqo
Waxa aad ka bilaabi kartaa
inaad markiiba 10 daqiiqo
sameyso (mar/labo jeer
maalintiiba) aadna sii
kordhiso ilaa
aad ka gaarto
min
150 daqiiqo
30
Xusuusnow: Xitaa cadado yar-yar oo firfircooni jismi ahaaneed waxtar bay
lahaaneysaa.
Ku bilow in aad isku deydo sameynta wax ka badan inta aad caadi u sameyso.
Tan waxa ay ahaan kartaa:
• Buska oo aad hal joogsi ka hor uga degto goor hore oo in yarna aad sii socoto
• Isticmaalka jaranjarada halkii aad wiisha ama iskaaleetarka ka isticmaali laheyd
• Isku deyidda inaad socodka badsato marka aad meelo dhow u safreyso
• Sameynta wax hawlaha jardiinka ama DIY (Adiguba Samee) ah
!
Xusuusnow: Haddii aysan firfircoonaanta kuu caadi aheyn:
• 150 daqiiqo toddobaadkiiba aad bay u badnaan kartaa. Sida kuugu fiican uun isugu
dey inaad sida suurtogalka ah u firfircoonaato adiga oo si tartiib-tartiib ah wax u sii
kordhinaya, adiga oo sameynaya oo keliyah dhaqdhaqaaqyada aad ku raaxada
qabto. Haddii aad dareento inaad la tallin dheeraad ah u baahan tahay inta aadan
tan sameyn ka hor, GP-gaaga ayaad la hadli kartaa.
• Waa inaad marka hore iska ilaalisaa sameynta firfircoon dhib kugu ah, taas oo kaa
rabta inaad si aad oo dhaqsiyo leh u neefsato dhalisana inay kugu adkaato dhihida
dhowr erey una joogsan neef qaadasho darteed.
Tani ma aha in aad loogu dhibtoodo:
TALLAABADA 1
Heerka garaaca
wadnahaaga kor
u soo qaad
6 | Xornimo U Neefsashada
TALLAABADA 2
Sanbabadaada ka yeel
kuwa shaqo xoogaa
adag qabta
TALLAABADA 3
Sii hagaaji
caafimaadka guud
ee sanbabadaada
Sidee buu quud isku miisaaman
sanbabadayda u kaalmeyn
karaa?
Quud miisaaman waa wax kor kasta aad ugu muhiim ah. Nafaqooyinka lama huraanka
ah ee cuntooyinka caafimaadka leh ku jira iyo dheecaanada waxa ay kugu kalmeyn
karaan in aad sida aad karto u fayo-qabto. Tan waa muhiim qaasatan haddii aad hadda
qabto xaalad sanbab maadaama ay kugu kaalmeyneyso ka hortagga infekshinka iyo in
ay sanbabadaa ahaadaan kuwo u caafimaad qaba sida ugu suurtogalka badan.
Quud miisaaman oo aad cunto, iyo ahaanshaha mid firfircoon waxa ay kugu
kaalmeynayaan ku sii hanashada miisaan caafimaad leh. Runtii tan waa u muhiim
caafimaadka sanbabkaaga maxaa yeelay miisaankaaga oo saa’id noqda neefsashada
ayuu kugu dhibayaa, taas oo firfircoonida wax adag kaaga dhigeysa.
Siyaabaha quudkaaga loo sii hagaajisto:
Isku dey inaad cuntooyinka fudud
ee quudadka u dhexeeya miro
(fruit) ku bedelato aadna quudadka
qudaar ku darsato halkii ay kaaga
suurtogasho adiga oo ujeedkaagu
yahay in aad maalintiiba 5 qeybood
(portions) cunto
Dooro waxyaabaha caanaha ku
saleysan ee ay dufanta ku yar
tahay, laakiin ka taxadir maadaama
ay dhici karto inay kuwan sokorta
ku badan tahay
Isku dey in aad hilibka gaduudan
ku bedelato hilbaha ka caatada
badan, oo ay ka mid yihiin digaag
aan maqaar laheyn, daa’uuska
iyo kalluunka. Hilibka gaduudanna
cadiinta ayaad ka jari kartaa , taas
baa caafimaad leh
Dooro xabuubka karboohaydereetiska ah ee ay buunshada u dhan
tahay halkii ay ka suurtogasho,
sida rootiga, bariiska iyo baastada
buunshada u dhan tahay
Inku dey inaad yareyso cusbada/
milixda aad cunto oo cuntada
ha ku darsan cusbada miiska
saaran yareyna cadadka cusbo
ahaan loogu darayo cuntada
marka la karinayo, si ay u
dhacdo inaadan maalintiiba
cunin cusbo ka badan hal qaado
oo tan shaaha ah
Isku dey inaad si joogto ah
biyo u cabto maalinta oo dhan.
Xusuusnow in ay cabitaano
badan ay sokor ku jirto, xitaa
marka ay ku qoran tahay ‘sokor
lagu ma darin’
Isku dey inaad iska ilaaliso sokorta
iyo cuntooyinka sokorta leh
Why are healthy lungs important? | 7
Waa inaad iyadana isku deydaa oo aad isha ku heysaa cadadka qamriga ah ee aad cabbeyso.
Tilmaan-bixinta hadda jirta (ee cadadka ay cabi karaan) ragga iyo haweenka waa isku mid.
Labadaba waxaa lagula tallinayaa inaysan si joogto ah u cabin wax ka badan 14 unug oo
qamri ah toddobaadkiiba. Haddii aad yeesho, waxa aad naftaada qatar u gelineysaa dhaawac
soo gaara oo waqti-dheer ku haya. Tan ku jira xaalado ay ka mid yihiin beer xanuun, kansar,
wadno xanuun, xanuun si kadis ah maskaxda ugu dhaca (stroke), ilowsho badnaan iyo xusuus
lumid (dementia) iyo osteoboroosis ( lafaha oo dhuubta jabisna u sahlanaada).
Tan waa waxa ay 14 unug la eg yihiin:
6 baynt (pints) oo
4% biir (beer) tahay
175ml
glases
wineah
175ml
galaas
ooofwain
6 galaas oo
175ml 13% wain
(wine) tahay
Waa muhiim in aadan unugyadaada keysan oo aadan dhamaantooda hal fadhi iyo hal mar
ku wada cabin. Waxaa fiican inaad uu inta toddobaadka ku kala qeybsato oo maalmaha
aad xorta tahay aad marba wax uun ka cabto.
Qamriga waxaa ku badan kaleriiska (calories) oo miisankaaga ka dhigi kara mid si saai’id ah u
kordho taasna caafimaadka sanbabadaada bay u daran tahay. Waxaa dhici kartaa inaad labo
jeer ka fiirsato inaad maalintiiba cunto burger iyo jibis (chips) dheeraad ah, laakiin haddii aad ka
fikirto baynta oo lagger ah waxa aad isticmaaleysaa kaleriss intaas la cadad ah – qiyaastii 720.
Si aad macluumaad dheeraad ah u hesho, fadlan booqo www.drinkaware.co.uk.
Sidee baan u ogaanayaa
in uu miisaankeygu mid
caafimaad leh yahay?
Si aad ula socoto miisaanka jirkaaga waxa aad
isticmaali kartaa aalada xajmiga jirka lagu cabiro
(body mass index “BMI“). BMI-da waxa ay muujineysaa
in uu miisaanka mid caafimaad qaba yahay marka
dhererkaaga la eegayo. Qof weyn (adult) oo ay da’diisu
tahay 18 ama wax ka weyn, miisaan caafimad qaba
waa inuu BMI-sa u dhexeyso 19 iyo 25.
Si aad BMI-ga u xisaabiso tag www.nhs.uk oo baar
‘BMI healthy weight calculator‘ Xisaabiyaha BMI-da ku
xisaabiya miisaan caafimaad leh’.
8 | Xornimo U Neefsashada
Adeegyada Goobta ee ku kaalmeyn kara:
Dhaqdhaqaaq Caafimaad Lagu Doono
(Excercise for Health)
Muxuu yahay?
• Waa barnaamij 12 toddobaad oo qorshe tababar ee qofka loo habeeyey
• Wuxuu hagaajiyaa fayo-qabka kuguna kaalmeaya lahaanta miisaan caafimaad
• Tababare fayo-qab baa kullanada oo idil joogaya bixinayana taageero iyo tilmaan
• Waxaa lagu tusi doonaa sida qalabka jimicsiga loo isticmaalo
• Waxaa lagugu tallin doonaa fasalada aadka kuugu haboon
Waxaa jira kharash horey loo qaado oo £7.50 oo kulanka biowga ah lagu bixiyo inta
uu tababaraha diyaarinayo barnaamij tababar oo qof ahaan laagugu habeeyey. Ka
dibna qarashka waa £1 kullankii walba.
Si aad qorshahan uga qeybqaadato waxa aad u baahan tahay inuu GP-ga ku soo
diro sidaas darteed fadlan iyagaas si toos ah ula hadal.
Tababareyaasha Caafimaadka PSS
(PSS Health Trainers)
Tababareyaasha Caafimaadka waa xubno ka tirsan bulshada degaanka waxaana
loo tababarey in ay taageeraan qof kasta oo raba go’aansado inuu sameeyo wax
uu hab-nololeed si wax u soo kordhin leh wax uga bedelaayo. Waxa ay yaqaanaan
adeegyada goobta laga helo waxa ayna ka shaqeeyaan xaafadaha derisyada ah ee
Liverpool (Liferbuul) ku yaal oo idil. Waxa ay kaa taageeri karaan arrimaha ay ka mid
yihiin quud caafimaad leh, sigaar cabista, qamriga iyo kordhinta dhaqdhaqaaqa jismi
ahaaneed, waxayna kugu kaalmeyn karaan hanashada waxyaabaha aad higsaneyso
iyaga oo ku siinaya taageero qof-ka-qof ah muddo ilaa 12 toddobaad ah.
Qorshahan adigaa isku soo gudbin kara:
Wac 0800 1313 141 ama email u dir [email protected].
Caafimaad-ilaaliyaha (Healthwatch)
Shaqaalaha Healthwatch waxa ay kugu kaalmeyn karaan wax badan ka sii
ogaanshaha macluumaadka, adeegyada iyo dhaqdhaqaaqyada la heli karo ee kugu
kaalmeyn kara maareynta baahidaada caafimaad si aad ugu sii dhawaato helidda
sanbab caafimaadkiisu sii fiicanaanayo. Kooxda uga soo wac 0300 77 77 007 ama
tilmaan-bixiyahooda (directory) online-ka ah ka raadi www.livewellliverpool.info
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 9
Sidee bay sigaar ka xor
ahaanshaha sanbabadeyda
u kaalmeyn kartaa,iyada
oo aan la eegeyn dhererka
waqtigii aan sigaar cabayey?
Waxaa dhici karta in aad isleedahay haddii aad horey u soo dhuuqayey
sigaar tubaako ka sameysan iyo waxyaabo kale oo ay shisha-da ka mid
tahay, ma jirto sabab aan sigaar cabista isaga joojiyo maadaama ay
sanbabadeyda yihiin kuwo horeyba u soo dhaawacmey.
Hase ahaatee, sheyga ugu fiican ee aad sameyn karto waa inaad hadda iska joojiso
maxaa yeelay weli wax baad caafimaadka sanbabkaaga ka bedeli kartaa. Waxa
aad hoos u dhigi kartaa dhaawaca ay sigaar cabista sanbabadaada soo gaarsiisey oo
callaamadahana way kuu fududaanayaan. Waxaa halkan ku yaal qaar tusaallooyin ah oo
ku saabsan sida ay siugaar cabista sanbabadaada u dhaawici karto:
• Wadooyinka ay hawada kuu marto baa bukoonaya
• Wadooyinka ay hawada kuu marto ee waaweyn waxa ay soo saarayaan xuub dheecaan,
kaas oo kugu sababi kara inaad qaado qufac kugu raaga oo inta badan malax ka dhalato
• Sigaar cabista oo aad sii wadataa waxa ay la micno ahaan kartaa inaad neef-tuurto, xitaa
marka aad nasan tahay.
In sigaar la xor ahaado ma
sahlana, laakiin waxaa jira
adeegyo badan oo goobta laga
heli karo oo bixiya taageerada
saxa ah ee kugu kaalmeyn
karta inaad sigaarka markan si
kama dambeys ah isaga joojiso.
Xitaa haddii aadan horey ugu
guuleysan, waa muhiim in aad
isku arragto baahi aad u qabto
inaad isku deydo. Xusuusnow,
markii kasta ee aad isku deydo
inaad iska joojiso waa talaabo
aad horey ugu qaadey sidii aad
sigaarka uga xor ahaan laheyd.
10 | Xornimo U Neefsashada
Tabo waxtar leh oo aad isku deyi kartid
1
Ka fikir sababta aad sigaarka u cabeyso? Maxay tahay sababta aad u
rabto inaad isaga joojiso? Qor si aad u xusuusato sababta aad isaga
joojineyso.
2
Iska dhaqaaji wax walba oo sigaar cabista ku soo xusuusinaya sida
aashtareyga iyo leytarada.
3
Isku sheeg inaadan sigaar cabin, dhawaana waad ahaan doontaa ee!
4
Hel inay asaxaabta iyo qoyska kugu kaalmeeyaan oo u sheeg inay
sigaar iska joojinta kaa go’an tahay.
5
La soco inta lacag ah ee aad badbaadsaneyso oo qorshyso wixii aad
ku kharashgareyn laheyd.
6
Isku diyaari callaamadaha (sigaar) u baahnaanta iyo sida aad isaga
caabin doontid.
7
Xusuusnow inay baahnaantaas soconeyso 2 ilaa 3 daqiiqo oo keliyah
markaa naftaada wax kale ku jeedi oo baahidaas si dhaqsi ah oo
aadanba sidaas u ogaan bay isaga baa‘baeysaa.
8
Ha ogolaanin in mar aad sirantay ay wax kaa joojiso. Waayoarragnimo uun isaga xisaabi oo mar labaad wax bilow.
9
Naftaada ku adkee inaad sigaarka joojineysid taariikh cayiman kuna
adkeyso.
10
Iska ilaali dad kale ee sigaar cabaya. Tan xumaanteedu waxa ay la
mid tahay sida adiga oo sigaar cabaya oo kale, sigaar joojintana dhib
bay kaaga dhigeysaa.
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 11
Maxay tahay taageerada kuu habeen?
Waxaa jira taageerooyin kala duwan oo la
kala dooran karo oo lala heli karo siyaabaha
kala duwan ee sida ugu fiican loola shaqeyn
karo dad kala duwan.
Aad bay muhiim u tahay inaad doorato waxa aad sida ugu
badan ugu raaxo qabto taasaana ku siineysa fursadaha
ugu badan ee aad sigaarka si kama dambeys ah isaga
joojin kartid. Kaalmo aad ka hesho hawl-yaqaanada,
asaxaabta iyo xubnaha qoyska ayaa kuu sahli doonaa
inaad sigaarka iska yareyso aadna iska joojiso, oo cilmibaarisyada waxa ay muujiyeen in dadka isticmaala
adeegyada sigaar iska joojinta iyo daaweynta sigaar
iska joojinta uu wax ku guuleysigoodu afar laab ka
badan yahay kuwa aad adeegyadaas isticmaalin.
Taageerooyinka aad kala dooran karto:
Taageerooyinka la kala dooran karo oo idil waxay kugu
kaalmeyn karaan inaad siyaabo kala duwan sigaar
cabista isaga joojiso; adiga ay ku jirtaa sida iyo goorta
aad u isticmaaleyso. Waxaa dhici karta inaad rabto inaad
waxyaabahan la kala dooranayo ka isticmaasho hal mid,
kuwo isku dar ah ama dhamaantoodba.
Roy Castle FagEnds (Roy Castle Sigaar-Wuu-Dhamaaday)
Muxuu yahay?
• Waa adeeg taageero fool-ka-fool ah oo bixiya la tallin bilaash lagu helo, kuu xafidan,
oo si saaxiibtinimo l;eh laguu siiyo
• La Talliyeyaal tababaran oo kuu qabta kullano taageero oo aad iska timaado adiga
oo koox ka mid ah iyo adiga oo si qof-ka-qof ahba
• Taageero iyo dhiirigelin lagugu siiyo telefoonka iyo fariimaha tekiska ahba
• Taageero wax-qabad leh oo qof walba oo rabo inuu sigaarka iska joojiso lagu siiyo
goorta iyo goobta kuu haboon.
Tan waxaa ka mid ah:
- Qorshe shakhsi ahaaneed oo sigaar iska joojinta ah, oo baahidaada ku haboon
- Daawooyin sigaar joojinta kuguna kaalmeeya ka guuleysiga baahida kuu qabata
- Tabo kugubtaageera sida aad wadada joojinta ugu sii taagnaatid
- Isticmaalka aalada lagula socda kabon moonookseydka (carbon monoxide), si aad u
arragto hore-u-marka aad sameyneyso
Si aad adeegyadan wax uga hesho bilssha ugu soo wac 0800 195 2131.
12 | Xornimo U Neefsashada
Taageero aad farmashiyaha goobtaada ka hesho
Maxay tahay?
• Farmashiyeyaal badan oo Liverpool ku yaal baa ku sugaya si ay kuu siiyaan taageero
sigaar iska joojinta kugu taageerta
• Taageero aad bilaash ku heso oo kuu xafidan of qof-ka-qof ah
• Goor kasta iska imaansho aad ku hesho la hadal dhaqso ah oo kuu haboon
• Dhiirigelin iyo in lagugu sii hago u kuurgalidda waxa aad higsaneyso iyo in lagu siiyo
taageerada ugu badan ee suurtogalka ah
Eeg bogga xigga oo ku siinaya faahfaahinta farmashiyeyaasha bixiya taageerada
isgaar iska joojinta.
Sigaar-Ka-Xor-ahaansho (Smokefree)
Maxay tahay?
• Aalado Online ah BILAASH lagu helo kuna saaban sigaar-ka-xor-ahaanshaha
• Wax ka dooro tirro aalado ah oo inay ku kaalmeeyaan loo sameeyey kuna jiraan
taageero app, tekist iyo email
Isku qor adiga oo booqanaya www.nhs.uk/smokefree
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 13
Farmashiyaha (Pharmacy) sigaar Iska Joojinta Taageera
Anfield
Saints Pharmacy, 216 – 218 Walton
Breck Road, L4 0RQ, 0151 263 3631
Forshaws Pharmacy, Belmont Grove,
L6 4EP, 0151 263 1678
Kensington
Davey’s Pharmacy, 99 Holt Road,
L7 2PN, 0151 260 4717
Davey’s Pharmacy, 253 Kensington,
L7 2RG, 0151 263 6735
Aigburth
Boots Pharmacy, 139 Aigburth Road,
L17 0BJ, 0151 727 1522
Norris Green
Cohens Pharmacy, 181 Walton Hall
Avenue, L11 7BY, 0151 525 3434
Allerton
Tesco Pharmacy, Mather Avenue,
L18 6HF, 0345 6779002
Old Swan
Lloyd’s Pharmacy, 23 – 25 St Oswalds
Street, L13 5SA, 0151 228 3108
Cohen’s Pharmacy, 158 Townsend Lane,
L13 9DN, 0151 263 1715
City Centre
Euro Pharmacy, 16 -20 Berry Street,
L1 4JF, 0151 708 0778
Boots Pharmacy, Clayton Square,
L1 1QR, 0151 709 4711
Rowlands Pharmacy, 37 Myrtle Street,
L7 7AJ, 0151 709 7796
Everton
J Hughes Chemist, 225 Breck Road,
L5 5PT, 0151 263 1157
I Phillips Pharmacy, Breckfield
Road North, L5 4QZ, 0151 2632786
Green Cross Pharmacy,
West Speke Health Centre, Blacklock
Hall Road, L24 3TY, 0151 234 1618
Fazakerley
Tiffenbergs Pharmacy, Longmoor Lane,
L9 0AP, 0151 525 3462
Garston
Lloyd’s Pharmacy, 32 Church Road,
L19 2LW, 0151 427 6173
Rowlands Pharmacy, 17 St Mary’s
Road, L19 2NJ, 0151 427 4948
14 | Xornimo U Neefsashada
Orrell Park
Orrell Park Pharmacy, 65 Moss Lane,
L9 8AE, 0151 525 1003
Queens Drive
Udani Pharmacy, 22-24 Queens Drive,
L15 7NE, 0151 722 1944
Speke
Boots Pharmacy, New Mersey Retail
Park, L24 8QB, 0151 427 5915
Vauxhall
Boots Pharmacy, 2 Vauxhall Road,
L3 2BG, 0151 236 4882
West Derby
J & J Pharmacy, 15 Deysbrook Lane,
L12 8RE, 0151 228 9400
Lloyd’s Pharmacy, 30 Mill Lane, L12 7JB,
0151 226 1410
Melwood Pharmacy, 227 Deysbrook
Lane, L12 4YF, 0151 252 1195
Woolton
Tesco Pharmacy, Allerton Road,
L25 7SF, 0345 0700082
Maxay tahay daaweynta la heli karo?
Daaweynta Nikotiinka lagu bedelayo (Nicotine replacement therapy),
oo loo yaqaan ‘NRT’, waa mid qaabab iyo weynin kala duwan leh waxa
ayna kugu kaalmeyneysaa yareynta callaamadaha si ay joojinta sigaar
cabista kuugu sahlanaato.
Waxa aad heli kartaa kuwo korka lagu dhejiyo, xanjo, kuwo afka iyo sanka lagu buufiyo oo
dhamaantoodna xididada dhiigaaga ayey nikotiin ku sii deynayaa adiga oo aan sigaar cabis
u baahan. NRT-da ka sokow, waxaa kale oo jira labo daaweyn oo Adeegga Caasfimaadka
Qaranka (NHS-ta) laga helo oo sigaar iska joointa ku kaalmeynaya. Kuwan waxaa ay yihiin
Varenicline (Farenisilin), oo magac kale loom yaqaan yahay Champix (Jambikis) iyo Bupropion
(Bubrobiyan) oo magaca kale ee loo yaqaan Zyban (Seyban) yahay. Cilmi-baarisyada waxa
ay muujinayaan in labadan laga helay wax ku guuleysi sareeya oo la xiriira tirrada dadka ay
sigaar iska jhoojinta ku kaalmeeyeen.
Xusuusnow in aad weli u baahan tahay adeegsiga awoodaada niyad ahaaneed ee aad
ku dooneyso in caadadan iska laado.
Waxa aad NRT-da iyo daaweynta kale ee sigaarka la isaga joojinayo ka heli kartaa meelo
tiro ah oo ay ka mid tahay adeegga FagEnds. Adeegan waxa uu ku siin karaa foojaro
(vouchers) aadv ku qaadato daaweynta leysanka leh ee sharciyeysan sida NRT-da iyo in
laguu sii gudbiyo GP-ga si aad uga hesho Champix oo taageero kuu socota ku sii siisa.
Waxaa kale oo ay ku siin karaan taageero haddii aad dooneyso inaad iska joojiso sigaarka
e-cigarette-ka ah, iyo tubaakada caadiga loo isticmaalo, waxa ayna kugu kaalmeyn karaan
kuu tilmaamidda qaab-nololeed sidan ka caafimaad badan oo qaac iyo nikotiin ka xor ah.
Waxaa kale oo uu GP-ga kuu qori karaa NRT-da oo farmashiyeyaasha goobtaadana
waxa ku sii karaan foojaro aad bilaash ugu soo qaadato kuwo korka lagu dhejiyo, xanjo
iyo kuwo afka la gashado haddii aadan gadan daawooyinka laguu qoro. Haddiise aad
gadato waxa aad bixineysaa kharashka daawada la soo qorey loo qaado oo keliyah.
Maxay Tahay Sababta Ay Sanbabo Caafimaad Qaba Muhiim U Yihiin? | 15
Maxay yihiin tallaalada ay
tahay in aan qaato si aan
sababadeyda ku kaalmeeyo?
Tallaalada Flu (influenza)
iyo pneumonia (nimooniya)
?
Yaa loogu tallogalay?
?
Maxay sameynayaan?
Haddii ay jiro 65 sano ama wax ka weyn ama aad tahay mid qaba
xaalad waqti dheer heysey (qaasatan xaalad sanbab la xiriirta).
Flu-ga waxa ka dhalan kara infekshinka xabadka ama xitaa
cudurka pneumonia, qaasatan haddii ay jirto xaalad sanbab
oo ku heysa. Irbadahan sida sanadlaha ah loo qaato waxa ay
Flu-ga kaa difaacayaan muddo sanad ka badan , laakiin kaama
difaacayaan hargabka (dureyga) iyo fiirusyada (virurses). Irbada
pneumonia-yada waxa ay kaa difaaceysaa noocada pneumoniayada ah ee inta badan dadka ku dhaca waana irbad hal mar
uun lagugu muddo.
Si aad u hesho wax macluumaad dheeraad ah oo labada
tallaalba ku saabsan, fadlan wax weydii GP-ga ama
kalkaaliyaha rugta caafimaadka.
16 | Xornimo U Neefsashada
Maxay yihiin
callaamadaha aad iska eedi kartid?
Goor hore oo callaamadaha xaalad sanbab la sii ogaado waa wax ku
kaalmeyn kara.
Taas micnaheedu waa in ay u badnaan doponto in goor hore lagaa daaweeyo iyo in
xaaladaha aadka u daran xitaa sida kansarka sanbabka ay kuu kordheysa fursadaha aad
uga noolaan kartid.
Callaamadaha aad inta badan iska eefi kartid waa:
Qufac ku hayo inta badan, siina jira
muddo 3 toddobaad ama ka badan ah
Qufac waqti dheer ku hayey oo ay wax
iska bedelaan
Miisaankaaga oo hoos u dhaca
Hamuunta aad cuntada u qabto oo
kaa lunta
Dhibta neefsiga kaa haysata oo sidii
kuu caadiga aheyd ka sii bata iyo
neef-tuurkaaga oo sii bata marka
aad dhaqdhaq ama aad meelaha ku
socsoconeyso
Xabadkas oo aad ciriiri ka dareento
Xanuun xabadka ama garbaha kaa
qabta
Infekshin isbada-joob ah oo xabadka
kaaga dhaca
Dhiig aad soo tufto
Xabeeb lahaansho
Xiiq
Maxaan sameeyaa haddii aan dhibaato isku arko?
Haddii aad aad ka welwelsan tahay wax callaamadaha kore ku saabsan, sida ugu
dhaqsiyaha badan u arrag GP-gaaga.
Ka waran deegaankaaga?
Mararka qaar dadka waxa ay ka welwelaan in
ay deegaanka iyo hawada oo wasakhowda ay
sanbabadooda waxyeelo ka soo gaarto.
Xaaladaha intooda badan taasi waa run, hase ahaatee
qeybaha buug-yarahan ku yaal ayey u badan tahay in
ay kuwaas kaaga muhiimsan yihiin marka caafimaadka
sanbabadaada la eegayo, waana taas sababtaas aan
macluumaadka goobahan xooga u saarney.
Kooxda Guryo Caafimaad Leh
(Healthy Homes Team)
Haddii aad dareento in aad ku dhib qabto deegaanka
hoygaaga ah waxaa ku kaalmeyn kara Kooxda Guryo
Caafimaad Leh oo iyagaa si fool-ka-fool ah kuu soo
booqanaya haddii aad degan tahay guri aad ijaaratay.
Waxa ay kugu kaalmeyn karaan tilmaansiga iyo wax
ka qabadka wixii dhibaato ah ee gurigaaga ka taagan,
kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha caafimaadka iyo
amaanka waxa ayna la shaqeyn doonaan hey’ado
kale si laguu siiyo taageero kaamil ah.
Wac 0800 0121 754 ama email u dir:
[email protected]
Haddii aad ka welwelsan tahay inay deegaanka gurigaaga
ama kan goobtaada shaqo ay caafiumaadka sanbabkaaga
waxyeeleynayan, la hadal GP-gaaga.
18 | Xornimo U Neefsashada
Xusuusin
Why are healthy lungs important? | 19
Buug-yarahan waxaa soo saarey hey’adda Caafimaadka
Dadweynaha Liverpool (Public Health Liverpool)

Similar documents

Somali information and survey leaflet

Somali information and survey leaflet Anita waxaa Isbitaalka Haweenka ee Liverpool loogu sameeyey qaliinka Geyniokolojiga. Intii uu qaliinka u socdey bay xaaladda adkaatey waxaana loo baahdey in taageero degdeg ah laga helo takhtar ku ...

More information

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo isuna dheeli tiran aad u nafaqeysato waa in aad fiiro iyo foojignaan gaara u yeelato farsamada waxa aad karinayso ama aad cunayso. • Cunn oo nafaqayso maalin kasta dheefta quddaarta cagaaran, mira...

More information