6th SS (HYSH)

Transcription

6th SS (HYSH)
Daraasaadka Bulshada Fasalka Lexaad
Su'aasha Muhiimka ah ee 1aad:
Maxaa loo baahan yahay in cunugeyga uu yaqaan marka uu gelaayo fasalka
6aad?
Ardayda fasalka lexaad waxaa looga baahan in ay fahmaan in daraasaadka bulshada ahamiyad siiso
isdhexgalka aadanaha iyo dunida ku wareegsan waxaana ka mid ah afarta daraasaad ee muhiimka ah:
Taariikhada, Joqraafiyada, Dhaqaalaha (gadashada iyo iibinta badeecada/adeegyada), iyo Madaniga
(dawladda/dhismaha bulshada). Dhamaan afarta maado ee ku jira daraasaadka bulshada waxaa ka
dhexeeyo xariir waxaana muhiim ah in ardayda famhaam in inta la baranaayo daraasadda Joqraafiyada,
in ay ku isticmaali doonaan aqoonta ay u leeyahiin Taariikhda, Madaniga, iyo Dhaqaalaha. Fakarka
qotada dheer, xallinta masalada, isgaarsiinta afka iyo midda qoran iyo iskaashiga kooxda waa xirfado
qeyb ka ah oo l a siiyo ardayda daraasaadka bulshada.
Dhamaadka Fasalka 5aad , cunugaada waa in uu awood u leeyahay in uu muujiyo:
Joqraafiyada
Yaqaan sida loo istimcaalo qalabyada joqraafiayda ee kala duwan (khariidada, kombasska, qoraalka
khariidada, iwm.) iyo ilaha looga jawaabo su'aalaha ku saabsan joqraafiyada Mareykanka (dagmooyinka,
gobolada, iyo ilaha).
 Cunugeyga ma akhrin karyaa magaca khariidada iyo ma isticmaali karyaa kombasska khariidada
iyo qoraalka khariidada is uu u helo una aqoonsado meelaha iyo ilaha ku yaal Mareykanka?
Wuu aqoonsan karyaa, wuxuu sharici karaa, sifeyn karaa, iyo wuxuu kala dhig dhigi karaa sababaha iyo
waxyaabaha ka dambeeyo dhaqaaqa.
 Cunugeyga ma sharixi karyaa sababta dadka Mareykanka ugu guureen meelo kala duwan
waddanka? Maxaad dadka ka dhaadiciya in ay guuraan? (Ilaha, joqraafiyada fiisikada, bulshda,
iwm.)
 Cunugeyga ma sharixi karyaa sida isaashiga iyo iska horimaadka ka dhexeeyo dadka ugu biiriso
(ku darto) qeybinta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo qeybinta bulshada/kala saaridda Mareykanka?
Taariikhda
Ogaado xilliyada taariikhda (muddooyinka waqtiga), shakhsiyaadka, kooxaha, fikradaha, iyo
mowduucyada Waqooyiga Mareykanka laga bilaabo 1491 ilaa aasaaska dawladda Mareykanka.
 Cunugeyga ma sharaxi karyaa sida ay isugu xigaa kooxaha dadka isugu yimid Waqooyiga
Mareykanka iyo meesha ay ka yimadeen? (Mareykanka Dhaladka, Yurubta, Mareykanka
Afrikaanka, iwm.)
 Cunugeyga ma bixin karyaa tusaale ku saabsan dhacdo, qof, fikrad, iwm laga soo qaaday
taariikhda oo na saameysa maanta?
Dhaqaalaha
Wuxuu isbarbar dhigi karaa iyo wuxuu kala qaadi karaa hay'adaha maaliyadda (bangiyada), waxay ay soo
saaraan, iyo adeeyada.
 Cunugeyga ma sharixi karyaa ujeedada bangiyada iyo sida loo dhamaystiro ganacsiga? (keydka,
deynta, iyo maal gelinta)
Madaniga
Fahmo aasaaska waddaninimada Mareykanka.
 Cunugeyga ma sharixi karyaa waxa qofka ka dhigo muwaadinka waddan? (xuquuqda, kaalinta,
iyo mas'uuliyadda saaran muwaadiniinta)
 Wuxuu sharixi karaa asalka, dhismaha, iyo shaqada ay qabato dawladda Mareykanka
 Cunugeyga ma sharixi karyaa sida dawladda Mareykanka u habeysan tahay? (saddax laan
dawladeed - Fullinta, Garsoorka, iyo Sharci Dajinta)
Maxaan sameyn karaa si aan cunugeyga ugu kaalmeeyo in uu diyaar u noqdo
fasalka 6aad?
Joqraafiyada Dunida
In aad cunugaada ku kaalmeysid in uu xasuusto waxa ay ku barteen fasalka 5aadwaa muhiim. In aad kor u
fakartid inta aad akhrineysid, qoreysid, ama fiirineysid meediyada (wararka) waxay iyaga ku kaalmeysaa
in ay arkaan fakarkaada iyo xoojinta qiimaha daraasaadka bulshda ku leedahay nolol maalmeedkooda
iyo sida ay ula xariirto iyaga.
Ku celceliya adiga oo iyaga la joogo:.
 Akhri khariidooyinka guriga ama idinka oo socda, iyo u dhaaf cunugaada in uu ku wado. Ka hadal
sida aad u isticmaashid khariidooyinka iyo weydii in ay meeleeyaan meesha aad joogtid, meesah
aad u socotid, iyo sida wanaagsan ee meeshaas loo tago.
 Isticmaal qalabka soo socodo midkuu noqdo: Google ku samee khariidooyinka, isticmaalka
telefoonka, RTD, mallka, (jidka/magaalada/gobolka, beerta, naqshadda guriga, iwm.
"Ma heli kartaa meesha aan kaga naal khariidadaan?"
"Sidee ayaad ku ogaatay in taasi tahay meesha aan ku suganahay?"
"Xaggee ayaan u baahanahay in aan tagno marka xiga?"
"Maxay tahay sida ugu fiican ee meeshaas loo tago?"
Taariikhda
Ka dooda inta aad daawaneysaan, dhageysaneysaan, ama akhrineysaan nooc kasta oo ka mida
meediyada oo laga yaabo in ay xariir la leedahay kooxaha kala duwan oo ku soo aruuray Waqooyiga
Mareykanka. Xattaa haddii meediyada tahay khayaali, ka dood macluumaadka ahaan kara been iyo waxa
noqon kara dhab. Isticmaal noocyadaan meediyada: buugaagta, majalaadka, dokumentiyada, filimada.
"Maxay yahiin qeybaha filimka ku saabsan Dhaladka Mareykanka oo aad u maleysaa
in ay dhab ahaan dhaceen iyo sababta?"
"Maxaad ugu maleysay in Muhaajiriinta ku jira sheekada ka tageen Yurub is ay u yimadaan
Waqooyiga Mareykanka?"
Dhaqaalaha
Kala dood cunugaada waxa ku dhaca lacagta marka la tago bangiga, dukaamada, marka la bixinaayo
biilasha. Sharax meesha lacagta tagto marka aad isticmaashid bangi iyo abaal marinta iyo halista ku lug
leh hawsha.
Isticmaal mowduucyadaan xagga doodda: tirinta lacagta caddaanka, ku shubidda lacagta/jeegga,
ATMyada, kaararka deynta, jeegagga, deynta, canshuurta iibka, iyo canshuurta federaalka/gobolka.
"Marka aan geliyo karkeyga deynta gudaha ATM, lacagta aan ka codsado mashiinka waxaa
goor dambe laga gooyaa xisaabteyda bangiga."
"Maxaad ugu maleysay in ay fiican tahay in bangiga haayo
lacagteyda?" (abaal marinta)
"Maxaad ugu maleysay in laga yaabo in ay xun tahay in bangiga haayo
lacagteyda?" (halista)
Madaniga
Kala dood cunugaaga kaalinta iyo mas'uuliyaddaha saaran muwadiininta maalinta. Ku dhiiri geli iyaga si
ay fahmaan in dawladda ka samaysan tahay dadka, u samaysan tahay dadka laguna gaaro hawsha cod
bixinta marka la daawado wararka iyo la akhristo wargeysyada.
Isticmaal waxyaabahaan sida mowduucyada doodda: shattiyada, baasaboorada, canshuurta, dhismaha,
dawladda, cod bixinta iyo doorashooyinka, ciidamada, dagaalka, iwm.
"Sidee ayaa u maleysay in dawladena ku hesho awoodda?"
"Maxay yahiin mas'uuliyadaha ay dawladena qabto?"
"Maxaad u maleysay sababta aan u bixino canshuurta?"
Su'aasha Muhiimka ah ee 2aad:
Maxuu baran doonaa cunugeyga sannadka oo idil inta uu ku sugan yahay
fasalka 6aad?
Koorsada joqraafiyada daarajada lexaad waxay ku saabsan tahay joqraafiyada fiisikada iyo aadanaha ee
dunida nagu wareegsan. Unug kasta oo la barto wuxuu ahamiyadda saaraa mid ka mid ah shanta
"Fikradaha Waawyen", kuwaasoo ah mowduucyada muhiimka ah inta ay socoto koorsada. Waxaa kaloo
jira su'aal lagama maarmaan u ah unug kasta oo la barto in loo baahan yahay in ardayda in ay ka
jawaabaan dhamaadka unugga.
Inta uu ku jiro fasalka 6aad, cunuugaada waa in uu caddeeyo in uu yaqaan:
Fikradda Weyn iyo Su'aasha Lagama Maarmaanka ah ee 1aad – Qalabka Joqraafiyada: Sidee
ayaan u isticmaalaa khariidooyinka iyo qalabka kale joqraafiyada si aan u barto dunida igu wareegsan?
Erayada Muhiimka ah - goobta shay laga helo, qaladka, iftiiminta khariidada, iyo goobta marka loo fiiriyo
meelaha kale u shay ku sugan yahay
Xibnaha Khariidada - magaca khariidada, qoraalka/furaha, kombasska, miisaanka khariidada, shabaqa
guud/xariiqmanka jiifa iyo kuwa taagan, bar ka bar qaaradda, iwm.
Tusaale ku saabsan Xubnaha Khariidada
 magaca
 shabaqa guud
 kombasska
 miisaanka
Mowduucyada Khariidada - joogga (astaamaha fiisikada), cimilada, dhirta, sida dadka u daggan yahay,
hawlaha dhaqaalaha (ilaha dunida)
Cimilada
Joogga
Dhirta
Dadka
Hawlaha Dhaqaalaha
Fikradda Weyn iyo Su'aasha Lagama Maarmaanka ah ee 2aad – Goobta: Sidee ayay meesha aan
ku noolahay u saameysaa sida aan u noolahay? Sidee ayay sida aan u noolahay u saameysaa meesha aan
ku noolahay?
Erayada Muhiimka ah - miyi, magaalo, magaalo madax, magaalada ugu weyn, guurid, qodobka soo
jiidashada, qodobka riixidda
Xirfadaha Muhiimka ah - La awoodo in la tilmaamo meelaha ku habboon nolosha marka la aqoonsado
astaamaha fiisikada iyo joqraafiyada aadanaha ee kala duwan lagana helo goob cayimaan. Sharax
sababta astaamahaan u yahiin muhiim si loo xajiyo dadka iyo guud ahaan nolosha aadanaha.
Jawaabta Tusaalada
"Magaalada Istanbul, Turkey waxa kor u kacay dadka daggan
taasoo ugu wacan meesha ay ku taal oo u dhaw biyo iyo dhul barwaaqo ah,
oo ka dhigay magaalo weyn?"
Fikradda Weyn iyo Su'aasha Lagama Maarmaanka ah ee 3aad – Deegaanka: Sidee ayay marka
dunida lagu sifeeyo deegaano aniga igu kaalmeyn kartaa in aan fahmo dunida igu wareegsan?
Erayada Muhiimka ah - xuduudda siyaasadda, qaaradda, gobolka, iyo xadka
Xiradaha Muhiimka ah - Aqoonso dhamaan todobada gobol ee dunida: Canada iyo Mareykanka, Latin
America, Europe iyo Russia, Africa, Koofur Galbeed iyo Bartamaha Asia, Monsoon Asia, iyo Oceania iyo
Antarctica. Ardayda waa in ay awood u leeyahiin in ay isbarbar dhigaan iyo in ay kala saaraan deegaan
kasta sida ku saleysan astaamahooda fiisikada iyo joqraafiyada aadanaha.
Deegaanada Dunida
*Xasuuso in deegaanada kala duwan yahiin balse la mid yahiin
qaaradaha. Deegaanada waxaa loo qeybiya
astaamahooda fiisikada iyo astaamahooda aadanaha ee u gaarka ah.
Fikradda Weyn iyo Su'aasha Lagama Maarmaanka ah ee 4aad – Isdhegalka: Sidee ayaan ula
xariiraa dadk kale iyo jawiga? Sidee ayay dadka kale iyo jawiga ila xariiraan aniga?
Erayada Muhiimka ah - siistemka deegaanka, kala duwnaanta nafleyda, wareegga karboonka-oksojiinka,
horumarka la taageeri karo, qilaafka ka dhasha isticmaalka dhulka, xoogga biyaha korantada, waraabinta
moosinka, wareega biyaha, isdhexgalka dhaqaalaha, guud ahaanta dunida, bay'ada, iyo kululaanta guud
Xirfadaha Muhiimka ah - Ardayda waa in ay awood u leeyahiin in ay ka jawaabaan su'aalaha fakarka
muhiimka ah ee weydiiya iyaga in ay ka fakaraan xaaladaha nolosha dhabta ah ee ku saabsan
isdhexgalka aadanaha iyo jawigooda marka lagu dabaqo aqoonta cusub ee dhawaanahaan la helay.
Jawaabtooda waa in ay ahaato logik iyo waa in lagu taageero caddeyn iyo erayada muhiimka ah.
Tusaale Su'aasha Fakarka Kriitikada
"Sidee ayay wubiyada isu baddalaan inta ay ku socdaan dhulka Dunida?"
*Jawaab wanaagsan oo laga bixiyo su'aashaan waxaa ka mid ah
jawaab macquul ah oo la raaciyo tusaalooyin iyo gabogabo, iyo waa in
lagu soo daro hal ama in ka badan erayadaan muhiimka ah: korantada biyaha la heli karo,
waraabinta moosinka, wareegga biyaha
Fikradda Weyn iyo Su'aasha Lagama Maarmaanka ah ee 5aad – Qorsheynta Mustaqbalka: Sidee
ayaan u qorsheystaa mustaqbalka sida ku saleysan aqoonteyda iyo fahamka dunida igu wareegsan?
Erayada Muhiimka ah - siistemka deegaanka, qofka wax dhowra, kala duwanaanta naflyeda, wareegga
karboonka-oksojiinka, horumarinta la taageeri karo, qilaafka isticmaalka dhulka, dadka, qadarka
baddalaadda, korantada biyaha la heli karo, isku xernaanta dhaqaalaha, guud ahaan dunida, nafleyda,
iyo kululaanta guud
Xirfadaha Muhiimka ah - Ardayda waa in ay awood u leeyahiin in ay ka jawaabaan su'aalaha fakarka
kriitikada ah eee weydiiya in ay ka fakaraan qorsheynta mustaqablka. Jawaabtooda waa in ay ahaato
logik iyo waa in lagu taageero caddeyn iyo erayada muhiimka ah.
Tusaale Su'aasha Fakarka Kriitikada
"Sidee ayay ilaha jiqda loo isticmaali karaa loona dhowri karaa?"
*Hal jawaab fiican oo laga bixiyo su'aashaan waxaa ka mid noqon kara jawaab dhamaystiran
logik ah lagana helo tusalooyin iyo gabogabo, iyo waa in
in ka badan mid ka mid ah erayadaan muhiimka ah: kala duwnaaanta nafleyda,
wareegga karboonka-oksojiinka, horumarka la taageeri karo, iyo qilaafka isticmaalka dunida.
Su'aasha Muhiimka ah ee 3aad:
Sidee ayaan u kormeeraa waxbarashada iyo horumarka uu gaaro cunugeyga
sannad dugsiyeedka? Maxay yahiin ilaha aan isticmaali karo si aan sidaan u
sameeyo?
Waxaa muhiim ah in lala socdo horumarka uu gaaro cunugaada iyo barashadiisa fasalka 6aad ee World
Geography. Macalinka cunugaada wuxuu hayn doonaa diiwaan ku saabsan horumarkiisa, hase ahatee
koriimaddiisa waxay ahaan doontaa mid macno leh haddii sidoo kale laga taageero guriga. In cunugaada
bixiyo macluumaad la xariira sida xaalkoodu yahay waxay kaloo dhiiri gelin doontaa fakarka naftooda
xagga dadaalkooda iyo horumarka.
Inta lagu dhex jiro fasalka 6aadh , isticmaal fakradahaan si aad ula socotid waxbarashada iyo
horumarka uu gaaro cunugaada.
Weydiid cunugaada in uu kula qeybsado waxay uu bartay inta uu ku sugan yahay fasalka joqraafiyada
maalin kasta. Haddii ay dhibaato ku qabaan xasuuska ama ka habeynta, weydii su'aalo badan oo
cayiman sida:
 "Wax miyaad ka akhrisay joqraafiyada? Haddii ay sidaas tahay, maxay ku saabsaneyd?"
 "Macalinkaada miyaa ku faray in aad baratid meel cayimana oo ku taala Dunida? Haddii ay
sidaas tahay, xaggee?"
 "Ma lagu siiyay erayo cusub iyo sifeyn maanta?"
 Hawshee ayaad ka qeybgashay maanta joqraafiyada?
 Yaad la shaqeysay - maxay ahayd ujeedada shaqada kooxdaada?
Si joogto ah ula xariir macalinka cunugaada. Haddii aadan awoodin in aad tagtid shirarka, u sheeg
macalinka, waxay dib kuugu dhigi karaan waqti wanaagsan oo laguula kulmo. Cunugaada waa in uu kuu
keeno shaqada guriga, shaqada lagu siiyay buundo, iyo warbixinta horumarka. Haddii aadan arkin
kuwaan, la xariir macalinka si aad u hubsatid in cunugaada uusan gafin shaqo. Haddii cunugaada ka
maqan yahay fasal, horay u gaarsii macalinka ama mar dambe si uu u helo shaqada ka maqan.
Weydii cunugaada taariikhda muhiimka ah ee loo baahan yahay oo ku soo socota fasalkooda. Hubso in
aad ogaatid sida macalinkooda u siiyo shaqada guriga, mashariicda, imtixanaadka gaagaaban, iyo
imtixaanaadka. Weydii macalinka macluumaadkaan haddii cunugaada uusan hubin.
Abuur "Liiska Sixidda Erayada Muhiimka ah/Erayada" si aad ula socotid erayda ay barteen, iyo erayda ay
u baahan yahiin in ay in badan ku celceliyaan. Weydii cunugaada su'aalo gaagaaban marka aad joogtaan
guriga in uu ku celceliyo dhamaan erayada, inta ay ka muujinayaan in ay yaqaanaan sifeynta. Fiiri
erayada ay "yaqanaan" waqti ka waqti si ay u xajistaan aqoontaan.
Erayada Muhiimka ah
Barashada
Si
wanaagsan
u bartay
meesha shay ku yaal
X
qalad gelin
X
iftiiminta khariidada
Samee "Jadwalka Su'aalaha Lagama Maarmaanka ah" ee keyd u noqda jawaabaha qoran uu cunugaada
ka bixiyo su'aalaha aad ku celceliska guriga. Dhaaf dhowr bog inta u dhexeyso su'aal kasta, kuna dhiiri
geli cunugaada in uu fiiriyo iyo in uu baddalo jawaabahii hore. Waa in ay awood u leeyahay in uu ku daro
fikrado cusub oo la xariira jawaab kasta bacdamaa ay soo saari doonaan dareen xooggan oo ku saabsan
joqraafiyada aadanaha iyo fiisikada iyo soo gelinta unug kasta oo cusub.
Samee "Khariidada Safarka Dunida" uu cunugaada ku calameyn doono magacayada meel kasta ay kaga
hadlaan gudaha fasalka. Hubso in ay leedahay dhamaan "xubnaha khariidada" ee ku habboon ee lagu
bartay bilowga sannadka. Cunugaada wuxuu calaamad u samayn karaa goob kasta xagga "su'aasha
lagama maarmaanka ah" ee lagu barto inta uu socday unugaasa kaddibna lagu daro furaha/qoraalka
khariidadooda.
Khariidada Safarka Dunida
Qoraalka
Sidee ayay dadka si wanaagsan u isticmaali karaan una badbaadin karaan
siistemyada deegaanka biyaha saafiga ee Dunida?
Sidee ayaa loo isticmaali karaa ilaha jiqda loona dhowri karaa?
Booqo maktabka, maktabka, iyo beerta xaafadda. Waxaa jira xariir badan oo laga sameyn karo waxa ay
ka bartaan fasalka joqraafiyada marka ay booqdaan meelahaan. Waxaa jira fursado badan sannadka oo
idil ee bixiya maalmaha "lacag la'aanta ah" ee la soo booqdo, marka hubso in aad heshid macluumaad
abadan adiga oo iyaga la xariira.
Maxaan sameyn karaa inta aan joogo guriga si aan u taageero waxa lagu barto
dugsiga?
Ku celceliya:
Erayada Muhiimka ah - Samee qaamuus si aad ugu celcelisaan erayada iyo sifeyntooda marka la joogo
guriga. Cunugaada ha qoro eray kasta dhanka hore kaarka hana ku daro sawir si wanaagsan u mattala
macanaha. Dusha kaarka, dib ha ugu qoro erayga, hana ku daro sifeynta iyo jumlad si wanaagsan u
isticmaasha erayga. Duleel ka samee geeska kore ee kaar kasta, kaddibna faraati bir ah ku qabo kaararka
si aad uga sameysid buug.
Ahaaw qof wax soo saara marka cunugaada uu baranaayo erayada ku jira buugga. Weydii adiga oo
cayaar ka sameeya kaararka si aad u aragtid dhibcaha ay keeni karaan eray kasta ay kor ka xifdaan.
*Isticmaal kaararka midabeysan si aad erayada isugu habeysid koox koox.
Fikrado Waaweyn - Kala dood "Fikradaha Waaweyn" (Qalabka Joqfraafiyada, Goobta, Gobolka,
Isdhexgalka, iyo Qorsheynta Mustaqbalka) cunugaada mar kasta ay suurtogal tahay. Isticmaal fikradaha
si aad ugu xariirisid hawlahaada maalinimo adiga oo weydiiya "Fikradaha Waaweyn" ee lagu soo
bandhiga hawshaas.
"Fikradaha Waaweyn" waa mowduucyo ka dhexeeyo guriga iyo bulshada, ama xataa marka la balaariyo
xagga qaranka iyo heerka guud dunida.
*Inta aad akhrineysid/daawneysid wararka, kala dood cunugaada "Fikradda Weyn (Fikradaha
Waaweyn)" ay u maleyaan in ay la xariiraan sheeko kasta.
"Fikradda Weyn (Fikradaha
Waaweyn)" ee laga qaaday
joqraafiyada, teebaa ayaad u
maleysay in ay ku jirto
sheekadaan cusub ee ku saabsan
dabka ka kaca buurahena?
Su'aalaha Lag\ama Maarmaanka ah - Kala dood "Su'aalaha Lagama Maarmaanka ah" ee laga soo qaaday
unug kasta uu cunugaada lagu baray dugsiga. Si joogto ah u weydii waxa "Su'aasha Lagama Maarmaanka
ah" ee cusub tahay xagga unuggaan. Waxaa muhiim ah in cunugaada ku celceliyo waxa ay ku bartaan
gudaha fasalka iyaga oo isticmaala aqoontooda cusub marka ay ka jawaabaan "Su'aalaha Lagama
Maarmaanka ah". Waxaad u sheegi kartaa in ay fikradahooda ka sheegaan afka ama ku qoraan warqada,
qaabka baragaraafka.
"Su'aalaha Lagama Maarmaanka ah" waxaa loo isticmaalaa in lagu kaalmeeyo ardayda in ay fahmaan
sida fikradaha iyo erayada ay maqlaan lagu dabaqi karo xaaladaha nolosha dhabta ah. Ardayda waxay
awood u leeyahiin in ay ku dabaqaan waxa ay ku barteen fasalka gudahiisa iyo fikradahooda shakhsiga
ee u gaarka ah iyo caqligooda marka ay ka jawaabaan su'aalaha, hase ahatee waa muhiim in ay
jawaabahooda ku taageeri karaan caddeyn iyo tusalooyin.
*Kala dood cunugaada "Su'aasha Lagama Maarmaanka ah" iminka jirta xagga joqraafiyada.
Kaddibna weydii in ay ku celceliyaan in ay jawaab u qoraan su'aasha. Ku dhiiri geli in uu isticmaalo
luqadda aqoonta iyo erayada muhiimka ah.
Aniga waxaan rabaa in aan wax badan
ka barto waxa aad ka fakareysid saliidda
Koofurta Bari Aasia. Ma ii soo qori
kartaa hal ama labo baragaraaf oo ku
saabsan "Sidee haysashada ilo qaali ah
u saameysaa gobolka?"
Akhriska - Cunugaada ha keeno buugga guriga habeen kasta haddii macalinka ogol yahay. Waxaad
macalinka weydiin kartaa in uu ku siiyo liiska cutubyada ay akhrin doonaan inta lagu dhex jiro unug
kasta. Cunugaada ha fiiriyo cutubyada isaga oo skan ku sameeya qoraalka iyo fiiriya sawirada iyo
qoraalka. Cunugaada wuxuu kaoo fiirin karaa qoraal kasta oo la sameeyay inta lagu dhex jiray
todobaadka dugsiga. Kor ha u akhriyo qof jooga guriga si uu u kordhiyo xiisada iyo loo siiyo taageero
haddii loo baahdo.
Aan wada fiirino sawirada ku jira
cutubka xiga. Maxay kula tahay
in sawirkaan naga bari doono
"kululaanta guud"?

Similar documents

Somali Translation - Gifford Primary School

Somali Translation - Gifford Primary School horumarkiisa asagoo la fiirinaayo ilmaha kale oo dadiisa oo wadanka ku nool. Ilmaha waxeey ku koraan si oo kala mid eh laakinse qeybahaas waxeey ku tusi karaan cunugaasa horumarkiisa markii loo fii...

More information

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo

nafaqada iyo raashinka sixada caafimaaka leh iyo • Cab oo qurquri maalintii qiyaasta ilaa laba littir oo biya ah waliba kuwa aan sokorta lahayn ama aan sokor lagu macaanaysiin. Cadada in yar ayaa caafimaad ahaan la ogolyahay qiyaasta in laga cab...

More information