Shaqo- iyo dammaanad horumarin

Transcription

Shaqo- iyo dammaanad horumarin
Sida: 1 av 5
Somaliska
Faktablad för arbetssökande –
Jobb- och utvecklingsgarantin
2015-03
Dammaanadda shaqada iyo
horumarka [Jobb- iyo
utvecklingsgarantin]
Qofka adigoo kale ah oo mudo dheer shaqo la’aan ahaa, oona caawinaad
u dib u la qabsado suuqa shaqada u baahan, wuxuu ka qeybgeli karaa
Dammaanadda shaqada iyo horumarka. Waxaa xaaladaas lagu
diyaarinayaa waxkaqabasho ku gaar ah oo ka caawini doonto sidii aad
shaqo ku heli lahayd.
Maxay tahay macnaha Dammaanadda shaqada iyo
horumarka ?
Adiga iyo gacanhaayeha Xafiiska Shaqada ayaa marka hore ka wada hadli
doona waxkaqabadyada aad u baahan tahay, sidii aad shaqo ku heli
lahayd ama waxbarasho ku bilaabi lahayd. Kuwaasoo tusaale ahaan
noqon kara:
 dhaqdhaqaaqa shaqo raadsasho oo hogaamin leh
 diyaarinta waxkaqabashada.
Kaddib waxaa lagu dhamaystiri doonaa talaabooyinkaan:
 tababar goob shaqo
 tababarka shaqada
 tababarka shaqada oo dheeraad ah
 tababarka suuqa shaqada
 caawinaad sida dhaqdhaqaaqa ganacsasho lagu bilaabo
Haddii 90 toddobaad gudahooda aadan shaqo helin inkastoo lagu siiyay
fursad aad uga qaybgasho qorsheha Dammaanadda shaqada iyo
horumarka, waxaa adiga iyo gacanhaaye Xafiiska Shaqada ku heshiin
doontaan in Qabanqaabiyeha boos laga siiyo goob lagugu mashquuliyo
oo adiga kugu habboon. Waxaad loo shaqeeyeha ama Qabanqaabiyeha ka
qaban doontaa shaqo ku suuragelin doonto helida khibrad, mudnaanyo
iyo tixraacyo.
Xaq ma ku lee yahay Dammaanadda shaqada iyo
horumarka?
Waxaad ka qeybgeli kartaa Dammaanadda shaqada iyo horumarka
haddii shaqo laawe aad tahay oona Xafiiska Shaqada iska diiwan gelisay.
Sida: 2 av 5
Teeda kale waa in shardi ka mid ah shuruudaha hoos ku qoran aad
buuxin karto:
 Shaqo laawe ahaan waxaa 300 maalmood lacag ka qaadatay
Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha wayna ka dhamaadeen.
 Waxaad waalid u tahay carruur aan weli 18 sano buuxsan.
Xaaladaas waxaad kala dooran kartaa ka qeybgelida barnaamijka
Dammaanadda shaqada iyo horumarka ama in iskaaga shaqo u
raadsan kartaa mudo la kordhiyay 150 maalmood lacagna ka
qaadan kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha.
 Toddobaadkii aad nus wakhti shaqayn jirtay waxaad qaadatay 75
maalmood oo gunno ah, keligaa aya nooshahay waxaana
leedahay carruur aan weli 18 sano buuxsan, kuwaasoo kula nool
ama badi ahaan kula nool.
 Shaqolaawe ahaan ayaa Xafiiska Shaqada iska diiwan gelisay ama
waxaa ka qeybgeli kartaa barnaamijka ku salaysan siyaasadda
suuqa shaqada mudo ugu yaraan 14 bilood isku xigta, laakinse
wax lacag ah Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha kama
qaadatid.
 Muddo 15 bilood ayaa ka qeybgeli kartaa damaanada shaqada ee
dhallinyarada loogu talagalay.
 Xabsi ayaa lagugu xukmiyay (xaaladaha qaarkood oo keliya).
 Da’daada waa 25 sano waxaana ka qeybgeli kartaa barnaamijka
gogoldhigga suuqa shaqada.
 Waxaad ka qeybgeli karaa tababarka sal-dhigida ee soo
gaaleetiyada qaarkood loogu talagalay, waxaa ka dhamaaday
Qorsheha sal-dhigida.
Ma lay siin doonaa wax lacag ah?
Markii barnaamijka aad ka qaybgalayso waxaa lagu siin karaa Kaalmodhaqaaleedka dhaqdhaqaaqa shaqada [aktivitetsstöd] ama Gunnada ka
qaybgaleyaasha qorsheha shaqada [utvecklingsersättning]. Lacagaha
waxaa bixiya Försäkringskassan, isla Hey’adaas ayaa xisaabisa lacagaha
kana gaarta go’aan.
Haddii aad tixgeliso wixii lagu heshiiyay oona shaqo raadsato xaq ayaa
ku leedahay gunnada barnaamijka ku salaysan. Haddii aadan tixgelin
qodobadii lagu heshiiyay oona shaqo aadan raadsan, saamayn ku yeelato
ku raagida shaqo la’aanta ama adiga sabab u noqoto shaqo la’aanta,
waxay qodobadaas saamayn ku yaalan doonaan xaq u yeelanshada
gunnada. Warbixin dheeraad ku saabsan Kaalmo-dhaqaaleedka
Sida: 3 av 5
dhaqdhaqaaqa shaqada iyo Gunnada ka qaybgaleyaasha qorsheha
shaqada waxaad ka aqrisan kartaa forsakringskassan.se.
Haddii gunnada aadan xaq ku lahayn waxaa kaalmo-dhaqaaleedka ka
codsan kartaa Dowladda hoose.
Caymis ma lee yahay?
Qofka ka qeybgala barnaamijka ku salaysan Dammaanadda shaqada iyo
horumarka, waxaa khuseeya caymiska dhawac-shaqsiyeedka iyo
kooxeedka. Haddii wax aad ka halayso goobta shaqada, waxaa suuragal
noqon karo in shirkadda ay magdhow dowladda ka hesho. Caymiska ma
khuseeyo qofka ka qeybgala barnaamijka lagu taageero hirgelinta
dhaqdhaqaaqa ganacsasashada. Warbixin dheeraad ku saabsan caymiska
waxaad ka aqrisan kartaa qoraal-warbixineedka [Försäkringsskydd och
skadeersättningsansvar vid vissa arbetsmarknadspolitiska program]
shabakadda internetka arbetsformedlingen.se.
Ilaa intee ayaa ka faa’iidaysan karaa
Dammaanadda shaqada iyo hormarka?
Waxaad barnaamijka ka qeybgeli kartaa
 ilaa shaqo wakhti buuxda ka hesho
 waxbarasho aan xiriir la lahayn Dammaanadda shaqada
iyo horumarka, tusaale jaamacad ama kulliyad.
 wakhti buuxa qaadato fasaxa waalidiinta
 wakhti buuxa xannun awgiis mudo bil ah aadan ka qeybgelin
 buuxiso shuruud cusub waafaqsan sharciga gunnada
shaqolaaweyaasha
Maxay yihiin shuruudaha kale ee aniga i
khuseeya?
Barnaamijka wakhti buuxa ayaa laga qeybgala. Teeda kale shuruudaha ka
qeybgelida way culus yihiin. Ujeedada waxay tahay in sida ugu dhaqsida
badan aad shaqo hesho ama waxbarasho bilaawdo. Waxaa muhim ah in
gacanhaaye Xafiiska Shaqada u hab joogto ah ugu warhelo shaqooyinkii
aad raadsatay. Bil kasta waa in Xafiiska Shaqada u soo dirtaa Qoraalka
wargelinta dhaqdhaqaaqyada. Ku soo qor warbixin ku saabsan
shaqooyinkii aad codsatay iyo dhaqdhaqaaqyadii kale ee aad fulisay
bishii dhammaatay.
Sida: 4 av 5
Shaqo ama waxbarasho kaddib ma heli karaa
fursada ka qeybgelida barnaamijka?
Haddii waxbarasho ama fasaxa waalidiinta aad ku maqnayd, dib ayaa
barnaamijka ugu soo noqo kartaa. Sidaasoo kale dib ayaa barnaamika
ugu soo noqon kartaa haddii jirro aad ku maqnayd. Laakinse, waa haddii
mudada ka maqnaanshada aysan dhamayn hal sano. Haddii aad shaqo
ku maqnayd kaddib shaqo la’aan kugu dhacday, waad ku soo noqon
kartaa barnaamijka, waa haddii aadan xaq ku lahayn qaadashada
Gunnada caymiska shaqolaaweyaasha.
Booska aan barnaamijka ka haysto ma iga lummi
karaa?
Dhaqan-xummo iyo ku buuqa dhaqdhaqaaqa waxay sababi karaan in
laga joojiyo ka qeybgelida barnaamijka. Waxaa kaloo ka qeybgelida
lagaga joojin karaa sabab kale awgeed.
Haddii lagu siiyay gunnada 450 maalmood oo ku salaysan
dammaanadda shaqada iyo horumarka, oona sharci ahaan aadan xaq ku
lahayn gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha, waxaa xitaa ka
lummi kara booskii haddii
 aad diido shaqo lagu soo bandhigay, taasoo waafaqsan
waxkaqabayda barnaamijka ama waxkaqabyo kale oo xiriir la leh
siyaasadda suuqa shaqada
 aad diido shaqo kugu habboon oo lagu soo bandhigay adigoo
aadan haysan sabab la qaadan karo
 aadan soo bandhigin dhaqdhaqaaqa shaqo raadsahsada
 aadan xiriir joogto la lahayn gacanhaaye Xafiiska Shaqada.
Dib ma u heli karaa fursadda ka qeybgelida
barnaamijka ee layga joojiyay?
Haddii shuruudaha qaarkood aad buuxin karto waxaa lagu siin karaa
fursad cusub. Warbixin dheeraad waxaad kala xiriiri Xafiiska Shaqada.
Sidee xilka loo qaybsaday?
Warbixin dheeraad ku saabsan Dammaanadda shaqada ee dhallinyarada
loogu talagalay waxaad kala xiriiri kartaa Xafiiska Shaqada. Go’aanka ka
qeybgelida barnaamijka waxaa gaari doono gacanhaaye Xafiiska
Shaqada. Xilliga aad barnaamijka ka qeybgelayso wuxuu gacanhaaye ku
Sida: 5 av 5
dhaqaaqi doonaa tixraacid, wuxuu ku siin doonaa taageerada aad u
baahan tahay shaqo raadsashada awgeed.
Markii aad good shaqo timado waxaa lagu magacaabayaa qof ku
horseeda. Horseedaha wuxuu ka caawini doonaa sidaa aad hawlgalka ku
bilaabi lahayd. Qof goobta mas’uul ka ah ayaa mas’uul ka ah deegaanka
shaqada ee adiga ku gaarka ah, oona hubsan doono in hawlgallada aad
hab sax ah u fuliso laguna siiyo qalabyada aad hawlaha ku qabsan lahayd.
Nidaamyada
Xeer-maamuleedka (2007:414) ku saabsan damaanada shaqada iyo
horumarka.
Xeer-maamuleedka (1996:1100) ku saabsan Kaalmo-dhaqaaleedka
dhaqdhaqaaqa shaqada
Xeer-maamuleedka (2000:634) ku saabsan barnaamijka ku salaysan
siyaasadda suuqa shaqada
Nagala soo xiriir 0771-416 416 haddii arrintaan aad xiisaynayso ama aad
doonayso warbixin dheeraad ah. Waxaad kaloo booqan kartaa Xafiiska
shaqada kugu dhow ama shabakadda internetka arbetsformedlingen.se.