Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay Matasho iyo

Transcription

Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay Matasho iyo
ILAYS
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
AXAD 05 APRIL 2009
Ilaysnewspaper Founder
C/shakuur Mire Aadan
Ilaysnewspaper Editor
Omar Siciid Moh’ed
E:- [email protected]
Caddadka 19aad,
19aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh
OUR SERVICE
OUR SERVICE
GSM
INTERNET
SMS MASSAGE
E-ADEEG
FAALLO
Somaliland: Sawax
Caynkee Ah?.(Maxaa
laga filan karaa
06 April Ka Dib?).
Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay
Matasho iyo Cid Ay U Shaqayso Ma Jirto
“C/weli Cali taar, Waa nooga garaabi waayay, yaa ku dirsday ayaanu niri, Wadanka ayaa xil iga saaran yahay, af
aanan garan, oo xummaan ah,ayuu nagula hadlay,Burcadnimo ayaan orankaraa, wax kale ma oran karo”
Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga
S/land Oo 4 Wariye Oo
Reer Puntland ah xirtay
EEG BOGGA 2AAD
W
ax ayaa guuxaya….. jabaq
ayaa yeeraysa …… Maxaa
hugmaya…… hadal haynta beryahan dambe Soomaalida
inteeda badani ka hadasho waxaa
ugu badnaa doorashooyinka Somaliland….. Maxaxa loo xiisaynayaa?.... Maa laga aamuso?.......
Maya…. Maya….. in badan oo Somali ah ayaa qabta inay Somaliland ku dayasho mudnayd dhinaca
Dimuqaraadiyadda iyo hirgelinta Axsaabta tartanka u gashay hoggaanka doorashooyin xalaal ah oo lagu
hoggaamiyo dalkaas iyo dadkaas.
Dhamaan waanu wada eegaynay
anagoo u muuqanaynay inaanu nahay arday Somaliland ka baranaya
nidaamka Dimuqaraadiyadda iyo
Doorashooyinka Xorta ah.
Maanta Xaalku sidaas ma ahan. Waa
ka muuqaal duwan yahay. Waxaa
cirka ku gadaaman daruuro Madow
oo harreeyey Fagaarihii Xoriyadda….. Ma laha ma Maxamed Siyaad
ayaa soo noqday oo khudbad uga
jeedinaya Hargaysa Garoonkeeda
Kubbada Cagta dadka ku dhaqan
magaaladaas…. Maya ….Maya ….
War Noow iyo Jaaw…..
Sow Isagoo beri hore geeriyooday oo
xabaashiisii Garbahaaray ku taal…..
Now iyo Noow . war ma Cadan ayaa
laga heesayaa Mise………… Arrintu
sidaas ma ahan…..Muuqaalkiisii
waa kaas ii muuqada………..
EEG BOGGA 2AAD
Michella Obama oo
jebisay Sharciga Ingriiska
EEG BOGGA 2AAD
M
aamulaha Shirkada ILaalada Xeebaha Puntland ee Somcana C/weli
Cali Taar ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay (04,April,2009) ku qabtay
Muna Hotel ee Magaalada Bosaso, waxaa uu kaga warbixiyay khilaafka soo
kala dhexgalay shirkadiisa iyo Wasaaradda Kalluumaysiga MGPL, waxaana
uu soo bandhigay Copy-ga ruqsadii la siiyay mid ka mid ah labada markab
ee Griiga laga leeyahay iyo Warqaddii loogu ogolaaday Howlgalka lagu soo
qabanayay Maraakiibtaas jariifaysay Badda.
EEG BOGGA 3AAD
P/land Oo 20 kun oo Dollar ku
wareejisay Guddiga Abaaraha
EEG BOGGA 2AAD
Dagaalkii Ogaadeenya
EEG BOGGA 6AAD
AXAD 05 APRIL 2009
P/land Oo 20 kun oo Dollar ku
wareejisay Guddiga Abaaraha
Jimce, 02, 2009
Madaxweyne ku xigeenka DGPL
Gen Cabdi-samad Cali Shire ayaa
Munasabad balaaran oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada DGPL
ee Magaalada Garowe waxaa uu ku
wareejiyay Guddiga Abaarha Lacag
gaareysa 20,000 oo Dolerka taas
oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladaha Abaaraha Baahsan
ee ka jira Gobolka puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay in uu ku hadlayo
Magaca Madaxweynaha DGPL iyo
kiisaba ayaa Lacagtaas ku wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga Abaraha
DGPL C/laahi C/raxman Ceyroow .
Md, C/samad Cali shire ayaa sheegay in Deeqdani ay noqoneyso tii
ugu horeysay oo ay dowlada ku wareejiso Gudiga Abaaraha Puntland
waxayna lacagtani aheyd Qeyb
loogu talagalay dadka abaartu halakeysay Sidii biyo Logu dhaamin
lahaa.
Guddoomiyaha Hay’ada Hadma ee
masiibooyinka ee DGPL C/laahi C/
raxman Ceyrow oo isna halkaasi ka
hadlay ayaa ka guddoomay Lacagtaasi Madaxweyne kuxigeenka .
Sida laga warqabo, puntland waxaa ka jira abaaro iyo biyo la’aan,
waxaana ay saamaysay xoolihii iyo
degaankiii, waxaana laga cabsi qabaa in abaarta oo xoolihii mar horre
dhamaysay, ay hadda dadki khatar
ugu jiraan in Gaajo iyo oon u dhintaan.
S/land Oo 4 Wariye Ku Xayirtay
Garoonka Hargeysa
Hargeysa,02-April-2009:-Maamulka
Somaliland ayaa iska hortaagtay
suxufiyiin soomaaliyeed inay gudaha u galaan Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay xalay Hay’adda
Care International ku soo galisay
S/land iyagoon ogolaansho ka helin
waaxda socdaalka.
Wararka hordhaca ah aya sheegaya in wariyayaal oo ka kooban
2 Wiil iyo 2 Gabdhood oo ka kala
yimid Magaalooyinka Boosaaso iyo
Gaalkacyo ee Puntland, oo la socday
Diyaaradda Juba AIRWAYS, ayaa
xalay markii ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, ay
Waaxda Socdaalka Somaliland iska
hortaageen inay soo galaan gudaha
Magaaladda Hargeysa, ka dib markii
laga waayay wax ogolaansho ah oo
Hay’adda Care Wariyayaashan uga
haysato dhinacyada ay khusayso ee
Maamulka Somaliland.
ILAYS NEWSPAPER
KA YIMID BOGGA 1aad
Somaliland: Sawax CaynkeeAh?.
(Maxaa laga filan karaa
06 April Ka Dib?).
Koomishanka doorashooyinka Somaliland ayaa horay ugu sii dhawaaqay doorashadii Madaxtooyadda
ee u qorshaysnayd in ay dhacdo 29ka
March 2009 aanay ku dhici karayn
wakhtigii loogu talo galay. Koomishanaka Doorashooyinku waxaa uu
sheegay in Doorshadu aanay dhici
karayn 29 March 2009. duruufo jira
awgood. Sidaas darteed Doorashada la qaban doono 31 May 2009.
Xisbiga Udub ee talada Somaliland
gacanta ku hayey waxaad moodaa
inuu si indho la’aan ah siyaasada
u hoggaaminayey. Qasdiga Udub
ayaa ahaa oo keliya in xukunka uu
sii joogo Madaxweynaha Muda Kororsaday ee Dahir Riyaale Kaahin.
Somaliland maanta waxay maraysaa marxalad Soomaliya ka soo
gudubtay . maanta Keligii taliye
loogama baahna geeska Afrika . waa
iska cadahay in mucaaradka Somaliland aanay aqbali dooni muda
kordhintii Gollaha Guurta Somaliland
ee Xafiiska xilliga Riyaale loogu daray 6 bilood, waa markii saddexaad
ee loo kordhiyo tan oo ka dhigaysa
inuu si sharciga aan waafaqsanayn
Somaliland Madaxweyne ugu ahaa
in ka badan xilligii loo doortay. Waa
laga warhayey murankii Dorashadii
hore oo wax yar uun guushu ku raacday Udub.
Maanta Udub waa kala jabaan yahay. Xubno badan ayaa ka goostay.
Waxaa soo bixi kara in Riyaale iyo
kooxdiisu doonayaan in Somaliland
burbur ku yimmaado. Waya aragnimadda ayaa ina bartay in xukun
la iska haystaa sababi karo inuu
dalkaasi burburo sidii Soomaaliya oo
kale.
Waxaa soo baxaya in xukunka Riyaale uu doonayo inuu xoog kaga
hortago rabitaanka dadweynaha.
Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ayaa
sheegay in sharcigu aanu ogolaan
doonin in kharbudaad la sameeyo.
Kaaga sii darane waxaa uu u hadalay sidii Dawladii Kacaanka ahayd ,
isagoo ka dhawaajiyey inuu sharcigu
yahay midka Udub u hiilinaya oo
keliya.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye
gebi ahaanba waxaa uu mawqidf ka
qaatay go’aanka mudo kordhinta ee
gollaha Guurtida , waxaanu uu ku
tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn. Maxaa xiga hadii la garo 06
Aprlie 2009. waa suaal jawaabteeda
la wada dhowrayo. Somaliland Sawaxan ayaa ka yeeraya ……Noocee
ayuu noqon doonaa……. Mucaaradaka iyo taageerayashoodu ma
aqbalayaan caqliga ina Riyaale iyo
kooxaha u sacabtumaya……… markas Hargaysa ma waxay la mid noqon doontaa midii SNM isku soo miidaamisay May 1988-dii ? Dhankee
looga wareegi karayaa xaaladaha
Cakiran?..... Yaasinka Yaasiinka……
Minii La yabo Yaasiinka……….
Michella obama iyo boqorada ingiriiska
oo jebiyey sharciga boqortooyada,
W/Q: Mustafa xasan wabax
Mudugonline
Haweenayda u qabo M/weynaha
dalka Maraykanka Barack Obama
Michelle iyo boqoradda Ingiriiska
Elizebeth ayaa la sheegay inay jebiyeen hab maamuuska u yaal boqortooyada dalka Ingiriiska.
Michelle Obama oo safarka ku wehelisay odaygeeda oo dhowaan tegay
Ingiriiska oo uu kaga qayb galayey
shirka wadamada xagga warshadaha horay uga maray ee G20 ayaa
guud ahaan wafdiyadu waxay casho
sharaf ku lahaayeen aqal boqortooyada ee Buckingham Palace.
Markii ay soo gaareen aqalka Buckingham Palace guud ahaan wufudu
oo dal walba gaarkiisa ayay u qaabishay boqoradu, xilligii sheekada
waxaa si tartiiba hadalo isu waydaarsaday Michelle Obama iyo boqoradda ,waa isu soo dhowaadeen
waxaana ay ka wada hadleen xagga
dhererka inta Michelle Obama ay
kadheertahay boqoradda dabadeed
si aan xeerka boqotooyada u yaala
waafaqsanayn ayaa boqoradu gacanteeda saartay dhabarka danbe
ee Michelle Obama halka iyana ay
garabka gacanta ka saartay.
Boqoradda aan la ogolayn in oogadeeda la taabto marka laga reebo salaanta ay gacma gashiga sidato ayaa
weligeed dhicin marka laga reebo
R/wasaarihii hore ee Australia Paul
Keating oo sanaddii 1992 garabka
gacanta ka saaray.
Sawirka laga qaaday labadan
haween ah ayaa lagu tilmaamay
kii ugu xiisaha badnaa,waxaana la
sheegay inay labaduba aysan kala
jeclayn,waxana iyana la sheegay in
kolkii ay kala tegayeen,is weydaarsadeen hadalk kale oo ah in kulankoodu ahaa mid xiiso badan.
WARARKA
2
Ururka SPA oo kulan
Nabada ah Qabtay
W/Q:Xuseen Maxamed Xasan
Bosaso, 02, April, 2009
Ururka Lagu Magaaco Somali Peace
Action ayaa kullan Nabada looga
Hadlayay ku qabtay dhismaha Amal
Plaza ee magaaladan Bosaso, 02,
april, 2009.
Kulankan ayaa looga hadlay horumarinta nabadda iyo doorka bulshadu ka qaadan karto Nabada iyo
Xasiloonida degaanka
.
Waxaana kulankan lagu Casuumay
Cullimada,aqoonyahano, siyaasiyiin,
haweenka iyo dhalinyaro.
Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ah
prf, wax ka dhiga Jaamacada Bariga
Africa ee Bosaso ayaa ku tilmaamay
kulankaas mid qiimo weyn ku fadhiya bulshada iyo Nabada.
Waxaana uu yiri” waxaa haboon in
la helo sharci iyo caddaalad taasoo
ay nabadu ku iman karto’
Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu
yiri “Waa inaad la socotaan inay wax
badan idiinka maqan yihiin, nabad
ma adan soo arag iyo kala dambeyn”.
Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuu
kula dardaarmay dhalinyarada inay
ka shaqeeyaan nabadda , Nabadaas
oo horre loo qaribay
Cumar ciise Faaruuq oo ah madaxa
xafiiska ganacsiga iyo Suuq Qeynta
ee shirkadda Golis oo ka hadlay kullanka Nabada ee ay soo agaasimtay Ururankan Somali Peace action,
waxaa uu ku booriyay dhalinyarada inay ka shaqeeyaan nabadda.
waxaana uu ku baaqay in la badiyo kulamada ku saabsan nabadda
maadaama bulshada Somaliyeed
gaar ahaan dhalinyaradu dowlad
soo arkin mudo 20 sano ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa
uu yiri” dhalinyarada maanta jirta in
shirarkan oo kale wax loogu sheego
ayaa muhiimad weyn ugu jirtaa.
Dadkii kale ee ka hadlay kulankaas
waxaa ka mid ahaa Nabadoon C/casiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud)
oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in dhalinyaradu nabada ay
ka shaqeyn karaan.i
Eng: Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir)
gudoomiyaha ururka Somali Peace
Action oo halkaasi ka hadlay ayaa
isna sheegay in ururkooda uusan
ahayn mid siyaasi ah, balse uu yahay mid ka shaqeeya nabada iyo
horumarka.
AXAD 05 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
ka Yimid Bogga 1aad
Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay
Matasho iyo Cid Ay U Shaqayso Ma Jirto
M
aamulaha Shirkada ILaalada
Xeebaha Puntland C/weli Cali
Taar ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay
(04,April,2009) ku qabtay Muna Hotel ee Magaalada Bosaso, waxaa uu
kaga warbixiyay khilaafka soo kala
dhexgalay shirkadiisa iyo Wasaaradda Kalluumaysiga MGPL, waxaana
uu soo bandhigay Cop-ga ruqsadii la
siiyay mid ka mid ah labada markab
ee Griiga laga leeyahay iyo Warqaddii loogu ogolaaday Howlgalka lagu
soo qabanayay Maraakiibtaas jariifaysay Badda.
Md, C/weli Cali Taar oo faahfaahinaya qaabkii ay wax u dhaceen waxaa
uu yiri” Waxaa la noo diray howlgall
lagu soo furanayo Markab shidaal oo
bosaso u soo rarnaa, oo mudo bil ah
la haystay,Markabkaas intii aanu u
sii soconay ayuu ka gudbay Biyaha
puntland, kadibna waxaanu la soo
xiriirnay Wasiirka Amniga, wuxuuna
nagu yiri, haddii uu ka baxay biyahada puntland ka soo laabta, soo
noqoshayadii, waxaanu la kulanay
Maraakiib Jiriifaysa Badda (Hadda
ka hor Markabkan la Yiraahdo Greko
4), ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa
joojiyay, Ruqsadiisa ayaanu waydiinay, wuu na tusay, waqti ayaana
u dhinnaa, Ciidamada Ilaaladu Xeebuhu way ka dageen, shaqadoodii
ayay sii wateen, Hadda ayaanu
aragnay, waanu joojinay, ruqsadiisii
ayaanu waydiinay, waxaanu ku niri
ruqsadaadu 28 bishii Marso ayay
dhacay, maxaad u kalluumaysanaysaa, (Dhamaan copy-ga Ruqsadaha ay Bixiso Wasaaradda Kalluumaysiga waa lana siiyaa) waxay ku
jaawaabeen, ilaa ruqsada cusub ay
nooga imaanayso, sidan ayaanu ku
kalluumaysanaa,
waxaanu ka codsanay in uu istaago
si aan u eegno ruqsadiisa, wuxuu
nagu yiri, I suga, wuxuu u yeertay
markab kale, xabad ayaana labada
dhinac lanooga bilaabay.
Markii, Aanu Bender-Bayla soo gaarnay ayaanu Xabado ku furnay, way
baqeen, Bosaso dhinaceeda ayay
u soo jeesteen, ka dibna Anniga
Madaxweynaha iyo Wasiirka Amniga
ayaa igu yiri, waa inaad Maraakiibta
Bosaso soo gelisaa, amarkii ayaan
qaatay, Maraakiibtiina Bosaso ayaan soo geliyay, ilaa iyo Markaana
Xabado ayay nagu wadeen. Waana
Maraakiib aad u hubaysan, waxaa
laga soo qabtay 9 PKM, 4 qoriga
shilka ah iyo Rasaar muddo 2 sanno
ah lagu dagaalami karo oo kunteenar
ugu jirtay .”
Md, C/Weli Cali Taar isaga oo
Hadalkiisa sii wata waxaa uu
yiri”Wasaaradda iyo Maraakiibtaas
waxaa ka dhaxeeyay Heshiis gaar
ah,maxaa yeelay waxay siiyeen
Ruqsad 4 kun oo dollar oo keliya,
oo Maraakiibtu ay kaga kalluumaysan karaan Badda puntland, iyagoo guranaya noockasta oo kalluun
ah, sharciyan Maraakiibta Noocan
oo kale waxaa laga qaadaa 60kun
oo dollar, Hadalka Agaasimaha
W.Kalluumaysiga uu ka sii daayay
Idaacadana waa been cad, cid ku dhimatayna ma jirto, ciidamada Ilaalada
xeebaha ee shirkada Somcana ayaa
labo askari ka dhaawacmeen, ”
Md,C/weli Cali Taar waxaa uu Hadalkiisa ku soo gunnaanaday in uu
ka wardhowrayo guddi loo saaray
in ay soo baaraan shilkaas, warbixin
buuxda ka keenaan,
Wasaarada Kalluumaysiga
Agaasimaha Wasaaradda kalluumaysaiga C/waaxid Maxamed Xirsi
(Joocaar)oo idaacada daljir ay waraysatay ayaa weeraray Madaxa
Shirkad somcana, waxaana uu yiri
“Shirkadan somcana, markab iyo qalab ay leedahay ayaa Dekedda yaalay, way baxeen, waxay u baxeen in
ay soo furtaan Markab ay Yemeni
leedahay, ciidamo dowladadeed
ayaa la saaray, Garacad markii ay
joogeen, ayay ku soo noqdeen eyl,
ciidamadii dowlada ayay ku rogeen,
Gawaari bay iska soo saareen, eyl
bay ciidamo burcad Badeed ka soo
qaateen,waa ay soo baxeen, maraakiibtaas ruqsada haystay ayay
weerareen, anniga iyo Wasiirku
waxaanu la hadalnay C/weli Cali
taar, oo jooga Bosaso, Waa nooga
garaabi waayay, wuxuu yiri maraakiibta waan qabanayaa, yaa ku dirsday ayaanu niri, Wadanka ayaa xili
iga saaran yahay, af aanan garan,
oo xummaan ah,ayuu nagula hadlay,
Burcadnimo ayaan orankaraa, wax
kale ma oran karo, waayo waxaan
arrintaa u leeyahay, 270 markab oo
tuugo ah ayaa badeena ku jira, haddii qofku wax wanaajinayo kuwaas
ayuu aadi lahaa, bale wixii oo dhan
waxaa ka sokeeya, horta yaa waxaan kuu dirsaday,yaase u shaqaysaa, annagii wasaaradda ahayn baa
leh, markaabitaas Ruqsad bay haystaan, waana naga garqaadan waayay, Fariin (Massege) ayaan u diray,
markii uu telephone-kii qaban waayay, aan u sheegayo, xabadaas maraakiibta ku socoto iyo wixii dhibaato
gaara,masuuliyadeeda uu isagu
leeyahay, Xafiiskagayaga ayaanu
ugu yeeray, waanu wada hadalnay,
WARARKA
3
si kulul baanu u wada hadalnay, waxaana uu ku dhaartay inuusan cafin
maraakiibtaas, danta uu ka leeyahay
maraakiibtaas ma naqaan oo gaarka
ah.C/weli Cali taar, wax sharci ah uu
ku weeraray Maraakiibtaas,cid uu
matalayo oo dowlada Goboleedka
puntland iyo cid uu shaqeeyo ma
jirto, Saxaafadana waxaan u sheegaynaa, waxaana ku dhintay askari
ka tirsan ilaalada Maraakiibta, mid
kalena waa ku dhaawacmay,”
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Eng, Maxamed Faarax oo ka hadlay dhacdadaas, waxaa uu sheegay
in Wasaaraddiisu ay ruqsad siisay
Maraakiibtaas, shirkada Somcana
weerartay, oo si sharci ah uga kalluumaysanayeen badda puntland.
Shirkada Somcana waxaa la asaasay sanadii 2002,iyadoo kala wareegtay shirkaddii la oran jiray Hart Group
oo uu madax ka ahaa khaliif Ciise
Mudan, lagana wareejiyay markii C/
laahi Yuusuf axmed uu puntland ka
qabsaday Jaamac Cali Jaamac.
Shirkada Somcana waxay heshay
Fursad qaali ah Markii Khaliif Ciise
Mudan oo Taageeray oo garab istaagay Jaamac Cali Jaamac.
Xiif Cali Taar (Alle Ha u Naxariiste
) ayaa madax u noqday oo waday
howlgalada shirkada, waxaana xiriirada dibada u qaabilsanaa C/weli
Cali taar oo Hadda Madax u ah
shirkada.
Sanadkii 2005, ayaa Madaxweyne
Cadde, ka wareejiyay Howlihii ilaalinta isagoo ku wareejiyay shirkad
la oran jiray Al-xabaa’ib oo muddo
saddex sanno markii ay waday ku
guuldaraysatay howlihii loo igmaday,
waxaana dib loogu celiyay Shirkaddii
Somcana Bartamihii 2008.
GOLIS LANDLINE FEATURES
Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta
�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya
cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected]
�dabadeed dir fariinta.
NB: dal iyo Dibadba waa isku mid
CALLCONFERENCE
Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference
�Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac
kadib taabo callcomference
�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo
carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay
Call forwarding
Si aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:
�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#
Callback on busy
Sidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale
adiga:
Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :
Ogaansha waqtiga
Fadlan garaac: #*32
Callwaiting
Si aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#
Sidee laysaga xiraa adeegan #58#
Wakeup time
Sidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa
waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:
Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:
1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#
AXAD 05 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Xusuustii Qalinka
Halgankii Yaasiin Cismaan
ee fartii Cismaaniyada
W.Q.Saadiq Enow
Y
aasiin wuxuu ku dhshey
magaalada Hobyo
1919-kii.
Halkaas oo caruurnimadii uu ku
bartey quraanka. Magaalada Xamar
wuxuu yimid markuu jirey 15 sano,
markaas oo uu bilaabey in uu barto
carabiga iyo talyaaniga. Xilligii uu Ingiriisku dalka joogey Yaasiin wuxuu
bartey afka ingiriisiga. Xilliyadaas
buu wuxuu u istaagey in uu xoojiyo
in farta Cismaaniyada ey ku faafto
dalka. 1949-kii Yaasiin wuxuu ahaa
ninkii lahaa talooyinkii ey Leegada
u kaalmeystey xagga dhaqanka.
Talooyinkaas waxaa kamid ahaa :
1 - in la baaro lana ururiyo dhammaan buugaagta ka hadlaya afsoomaaliga, iyo in la badiyo lana
faafiyo buugaagtaas.
2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo
heli lahaa xuruuf soomaaliyeed
(far-soomaali) oo qoran.
3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo
xiriirrada bulsho ee kala duwan.
6 - buugaagta qiimaha leh oo ey
dadyowga kale qoraan in lagu turjumo af- soomaali.
9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa
dugsiyada dalka.
10- in la baadi goobo qalabkii loo
adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag
af- soomaali ku
qoran.
Waxaa nasiib darro noqdey
dhaqdhaqaaqii uu Yaasiin bilaabey
ee farta Cismaaniyada in uu dhexgaley loolankii Leegada dhexdeeda ka
socdey ee 2-da xoog (qabiil) dhexyiil,
kuwaas oo ahaa (xoogga Hawiye
iyo xoogga Daarood). Xooggii Daaroodka wuxuu ku yaraa maamulkii
uu Talyaanigu sameeyey ee maxmiyadda ahaa, sidaa darteed buu
wuxuu lumiyey awoodii uu Leegada
ku heystey. Bishii Meey 1949-kii
Xaaji Maxamad Xuseen baa waxaa loo doortey in uu Leegada odey
(presedent) ka noqdo. Xoghayena
waxaa loo doortey Cabdullaahi Ciise. Xaaji Maxamad Xuseen wuxuu
u dhashey reer Xamar, Cabdullaahi
Ciise isagu waa (Sacad - Hawiye).
2-daas masuul midkoodna marabin
farta Cismaaniyada in ey noqoto mid
soomaalidu ey wax ku qorato. Taasi
wexey dhalisey isbeddel xoog leh ee
ku yimaada barnaamijkii Leegada ee
ku wajahnaa qorista afka soomaaliga. Xaaji Maxamad Xuseen oo 3
sanadood keliya ayuu hayey xafiiskii
maamulka Leegada, wuxuuna raad
xoog leh ku yeeshey siyaasaddii
qorists af-soomaaliga. Xaaji Maxamad wuxuu watey aragti u janjeerta
carabta (Naasiriya). Wuxuu u safri
jirey Qaahira, halkaas oo uu raadiyaha Qaahira ka sii deyn
jirey barnaamij ah dicaayadaha reer
galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxamad qaadey wuxuu Leegadii ku reebey 2 arrimood :
1 - In aan fartii Cismaaniyada loo
aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu
qoro.
2 - Af-soomaaliga in uusan noqon
afka ey Leegada ku shaqeyneyso
(official language),bal uu af-carabigu noqdo afka rasmiga ah.
Bishii abriil 1950-kii, waraaq
(memorandum) ka soo baxdey xafiiska maamulka Leegada wexey
sheegeysey in ey soomaalidu guddoonsadeen in afka carabigu uu noqdo afka Soomaaliya laga qoro, kaas
oo ey dadyowga kalena isku fahmaan (internatinal language) waraaqdaas wexey ku socotey maamulihii
talyaaniga oo magaciisa la´oranjirey
Fornari. Waraaqdu wexey sheegeysey qodobadan hoos ku qoran :
1 - Xoghayaha guud ee ururka
Leegada Cabdullaahi Ciise, dhowaan wuxuu socdaallo
ku soo marey dalka oo dhan.
Xoghayuhu wuxuu baarey lahjadaha
kala
duwan oo ey soomaalidu ku hadlaan, kamana uusan helin mid laga
cabbir-qaadan
karo si loogu qoro afka-soomaaliga.
2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuruufttiisu aad u badantahay, waxaa
adag in af-soomaali lagu turjumo.
Haddaba haddey soomaalidu u
suurto-geliweydey in ey habeystaan afkoodii hooyo, waxaa nala
haboonaatey in luqada carabiga
ey noqto luqada caamka ah, taas
oo
soomaalida fursad u siineysa in ey
is af-fahmaan dadyowga dunida
kula nool. Waxaa kale oo afka
carabigu u kexeynayaa (oo uu
tusinayaa) dadka soomaalida ah
badweyn dhaqan ah oo aan xad laheyn.
Waxaa kale oo luqada carabiga
aanu ka heleynaa iskaashi dhaqan
iyo
mid siyaasadeed oo aannu la yeelanno dalalka muslinka ah ee aan
walaalaha nahay. Kuwaas oo aanu
wada rumeysannahay Ilaah keliya,
rasuulkiisa Maxamadah (s. c. w.)
iyo kitaabka muqaddaska ah ee
quraanka.
Arrintaasi wexey baansiin kusii
shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka
dhexeysey Xaaji M. Xuseen iyo Yaasiin Cismaan. Waxii maalintaas ka
dambeeyey wargeysyadu wexey
soo qori jireen maqaallo ey isaga soo
horjeedaan ragga labada aragti kala
qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar
walba sheegi jirey in afka carabiga
uusan aheyn mid ajnebi ku´ah dalka
Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn
jirey Yaasiin in uu wato aragti reer
Yurub Taasaana ka dambeysa fikradda daafaceysa farta Cismaaniyada.
ahna raggaas bey ka socotaa.
Yaasiin isaga oo taas ka jawaabaya
wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in
uu ogsoonyahay in luqadda carabiga
ey tahay luqaddii diinta Islaamka, Islaamkuna uu yahay diinta ey dadka
soomaalida ahi aaminsanyihiin, laakiin haddaan soomaali nahay carabigu maahan luqadayadii koowaad,
mana ahan afkayaga hooyo. Wargeys Xamar kaas oo bixi jirey oo
la´oranjirey (Corriere della Somalia),
iyada oo hadalka Yaasiin dabataagan baa nin reeraha X.Maxamad ah
wuxuu soo qorey maqaal markey taariikhdu aheyd 20/6-1952-kii, kaas
oo uu ku sheegayo in rerka uu Xaaji
M. Xuseen ka dhashey ey mararka
qaar u arkaan af-soomaaligu in uu
agtooda ka yahay luqad ajnabi. 24/71952-kii golihii fulinta ee Leegada
wexey guddoonsadeen go´aan ey
faafiyeen oo ah “ luqadda carabiga
waa luqadda dalkan waana luqadda
ey Leegada ku shaqeyneyso waana
luqadda dadweynaha soomaaliyeed.
Luqaddan carabiga ah Ilaah baa ina
siiyey, waana taanu ku dhexgeleyno
dunida Islaamka .
Buugga layiraahdo (politics,
Language and Thought) ee uu qorey D. D. Laitin wuxuu ku sheegey
(safxadda 99-aad) in ey jirtey heshiis
qarsoodi ah ee 1951-kii dhexmarey
masuuliintii Leegada iyo maamulkii
Talyaaniga. Heshiisku wuxuu ahaa
luqadaha dalka lagaga shaqeeyo ey
noqdaan Carabi iyo Talyaani.
RA’YIGA
4
Tuugaysi waxaa ah in qoraalada aad
kusoo saartid joornaal-kaaga [waraaq ama Internet] ee ay soo qoraan
qorayaal adiga kuu soo diray uu wargeys kale [oo kusoo baxa waraaq
ama Internet] uu qaato qoraalkii asagoo lagayaabo in uu sheego qoraagii
laakin uu qariyo in uu joornaal-kaaga
kasoo xigtey.
Arimahaasi waxay soo hoos-gelayaan:
•
Xaqiraad la xaqirayo qofkii
asal ahaan qoraalka lahaa.
•
Xasad laxasdayo wargeyskii
qoraalku kusoo baxay.
•
Kibir la iska kibrinayo xaqa.
•
Deyn la qaatay oo qofkii laga
qaatay uusan ogeyn.
Dhammaan erayaas sare waxay isugu soo biyo shubanayaan kelmeda
Afsoomaaliga ee “Bililiqo”.
BILILIQAYSIGA QORAALADA.
[Waxaa ka qayb qaatay: Faysal Ciise - Kenya]
Qoraalada oo xaquuqdooda qoraaga
laga xayuubiyo waxay u dhacaan
dhawr siyaabood oo kala ah:
1.
Qoraalkii oo isagoo dhan laga
sii daayo idaacad ama lagu daabaco
wargeys iyadoo la xusayo ama aan la
xuseyn magaca qoraaga, laakiin aan
laxusayn wargeyskii ama buugii ama
CD-gii uu asal ahaan qoraalkaasi kusoo baxay.
2.
Qaybo muhiim ah oo qoraalka ah oo la soo minguuriyo iyadoo
la dhex galinayo qoraal kale oo tiro
badan iyadoo dadka lagu qaldo,
laakiin aanba laxusayn qoraagii asalka ahaa.
3.
Dhawr qoraal oo isku
mawduuc ah ayna kala qoreen
qorayaal kala duwan oo caasha la
isu galayo oo kadib magac kale lagu
LA SOCO QAYB KALE AXADA qorto.
4.
Buug suugaaneed ama taDAMBE
ariikheed sidiisa loo soo raro oo cutub
cutub loogu soo qoro jariirad iyadoo
marna aan la xuseyn qoraagii buuga
XUQUUQDA QORAALKA
[COPYRIGHT]
ISHA WWW.SOMALITALK.COM
Qore: Eng. Maxamed Cali Aadan
| Minneapolis, USA | June 18,
2003
Qaybta: 2aad
XADGUDBIDA & TUUGAYSIGA
QORAALADA.
X
adgudub waxaa noqon kara
in qoraalka aad qortay laguu
gacan dhaafo oo adiga oo aan
wax lagaa weydiin qoraalkaagii la
xado, isla mar ahaan taana lagu qoranayo magac qof kale oo aan shaqo
kulahayn qoraalka.
Waxaa dhacday in buug la qoray
waqti hore hadda la daabaco (sidii
asalka ahaa ama wax laga bedelo),
taas oo lagayaabo in qoraagii buugga magaciisa la qoro, laakiin qofka
hadda daabacayaana uusan wax
ogolaansho ah ka haysan qoraagii
buugaas, kaddiban uu sidaas suuqa
ugu iibgeeyo, dakhliga ka soo baxana
uu toos ugu dhaco qoraaga dambe.
Waxa kale oo dhacda in siweyn loo
bililiqaysto hal-abuurka suugaanta,
sida gabayada, kaddibna gabaygii la
bacrimiyo ama sidii uu ahaa loo tiriyo,
taas oo aan la sheegayn in qof hore
sidaas u tiriyey.
AXAD 05 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Ma U Jeesannaa
Qiblada Dawladnimada?
Qaybtii 2aad
W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)
Waa markii sedexaad, laga soo bilaabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu
soo dhisayo dawladda qaranka Somaliyeed. Waxaa la sameeyay baarlamaan la isku karkaray oo tiradiisu
gaareyso 550 xubnood iyo xukuumad sal balaaran oo sida muraayadda oo kale la iska wada arkayo.
Waa barlamaan sidii lagu soo dhisay
la ogyahay, sidii loo xulay la ogyahay, sidii uu u dhaqmayna la ogyahay oo wax weyn oo lagu ammaano
aan la sheegi karin. Haseyeeshee,
waa ha’yadda kaliya oo leh astaantii
hay’ad qaran oo haddii taas la waayo
Somaaliya ku noqoneyso reernimo,
kala qeybsanaan iyo mustaqbal
mugdi ah oo aan la odorosi karin.
Dawladda midnimada qaran ee KMG
iyo Baarlamaanka KMG, dhaliil kasta
oo ay leeyihiin, ayaga ayaa bilaw
u ah jiritaanka dawladda qaran ee
Somaaliya. Jiritaankooda ayaa sal
u ah xukuumada midnimada qaran
ee dhawaan lagu soo dhisay dalka
Jabuuti.
Shacbiga Somaaliyeed waxey ka
soo daaleen xukumado fashilma iyo
dawlad la’aan intaba. Waxey rajo
weyn ka qabaan in xukumadaan
ay guuleysato si muddada labada
sano ah ka dib loogu gudbo marxalad cusub oo dadku soo doortaan
wakiiladooda dhabta ah. Waxaa
laga quudareynayaa xukumadda cusub iney soo celiso kala dambeynta
iyo sharciga iyo iney dhaqan geliso
dhameystirka hirgelinta Shareecada
Islaamka. Haseyeeshee, waxaa jira
cabsi xoog leh iyo welwel ay qabaan
waxgaradka intiisa badan. Waxaa
isha lagu hayaa, si joogto ahna loo
eegayaa calaamadihii wax ku soo
fashilmi jireen in dawladu ku socoto
iyo iney ka leexatay. Waxaa laga
fiirinayaa cuduradii fashilka iyo calaamadihii caafimaadka. Waxaa loo
baahanyahay in si joogto ah loola
dardaarmo xukumada, in si joogto
ah loo xasuusiyo wadda guusha iyo
wadiiqada fashilka. Taariikhda waxaa loo xusaa in casharo laga qaato,
hadaba bal aan eegno waxyaabihii
fashilin jiray dawladihii hore. Waxaa
ugu waaweyn waxyaabaha fashilin
jiray sideedda qodob ee soo socda:
1. Madax aan sharciga dhawrin:
Waxa ugu horeeya ee fashiliyay xukuumadihii hore waxaa ugu muhiimsan
madaxda qaranka (Madaxweynaha,
Raisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha
baarlamaanka) oo aan ku toosneyn
ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta
dalka iyo awood tooxsi keena khilaaf
aan dhamaaneyn.
2.
Hay’adaha garsoorka oo curyaansan: Hay’adaha garsoorka sida
maxkamadda sare iyo
maxkamadaha kale oo aan dhisneyn,
awoodna laheyn. Sababtu waxey
tahay inaan sharci iyo xeer midna la
rabin iney shaqeyaan. Sidaas darteed, khilaafka dawladda laguma xallin karo si sharciga waafaqsan.
3.
Hay’adaha
maamulka
hantida qaranka oo hawl-gab ah:
Hay’adaha maamulka iyo ilaalinta
hantida qaranka oo aan dhisneyn,
danna aan laga laheyn, maadaama
loo heelanyahay in la boobo hantida qaranka. Wax xisaab ah lama
ogolayn, miisaaniyad lama dejinin,
xisaab xir sax ah lama sameeynin.
4.
Waxaa la diidday hawgelinta
ciidamada qalabka sida: waxaa laga
soo horjeeday in la hawlgeliyo inta ka
hartay ciidamada qaranka Somaaliyeed oo welli da’a ahaan iyo caafimaad ahaan hawlgal ah. Waxaa laga
door-biday maleeshiyaad beeleedyo
daacad u ah madaxda dawladda.
5.
Qaraaba-kiilka shaqo-siinta:
Waxaa dhaqan u noqotay ruux kasta oo madax noqda inuu xafiiskiisa
shaqo ka siinayo qaraabadiisa ayada
oo lana garab marayo in shaqaalaha
dawladda ay soo maaraan habka
sharciga ah ee hay’adda shaqada
iyo shaqaalaha. Waxaa la garab
maray in muwaadniintu u sinaadaan
shaqada.
6.
Safaarado aan ku xirneyn
xukuumadda: Magacaabidda safiiro
aan miisaaniyad loo qoondeyn oo
farabadan oo dibadeedna u tuugsi
taga dawladii loo magacaabay. Safiiro aan ka amar qaadan wasaaradda
arimaha dibadda oo wixii ay rabaan
sameeya.
7.
Mushaar ka qaadashada
UNDP: Kaalmadda dibadda oo ay
gacanta ku hayso hay’adda UNDP
oo mushaaraadka xildhibaanadda,
wasiisradda, booliska iyo shaqaalaha dawladda si toos ah u bixisa
ayada oo aan soo marin hay’adaha
shaqada ku leh ee dawliga ah. Sabatu waxey aheed waxaa lagu amini
kari waayay xukumada iney maamulaan wax lacag ah.
8.
Ku-xirnaashaha
dawlada
shisheeye: Madaxda dawladda oo
ku kala xiraan xooggag shisheye
oo markii ay iskhilaafaan lagu soo
sheshiisiinayo dawladaha dariska
ah, markii la rabana la isku dirayo oo
khilaafkooda la kobcinayo.
Ugu dambeytii, waxyaabaha guusha keeni karaa, tawfiiqda Ilaah ka
sokow, waa in madaxdu sharciga
dhawrto, hay’adaha garsoorka iyo
maamulka hantida qaranka dib-loo
dhiso, in la hawlgeliyo ciidamada
qalabka sida, in la joojiyo qaraabakiilka shaqo-siinta, in safaaradaha
dib-loo habeeyo, inaan mushaar
laga qaadan UNDP iyo in la dhawro
haybadda qaranka Somaaliyeed.
SHEEKOOYIN
5
Nabar Aan Dawoobeyn.
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
QAYBTII 7AAD
Caawa waa habeenkii ugu dambeeyey oo iyada iyo Shirwac ay wada
hadlaan. Waxaa xigi doona kulan
fool-ka-fool ah oo ay berri dambe ku
kulmi doonaan garoonka diyaarada
Gaalkacyo. Qiyaastii laba ama seddex maalmood kaddibna, waxay
marwo u noqon doontaa Gacaliyeed
Shirwac. Ilaahow, riyadaas ii rumee,
intey niyadda iska tiri bay sariirta kortay. Sawirradii Shirwac intey barkinta
hoosteeda kala soo baxday bay daawasho kula dhaqaaqday…
Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bedweynta fekerka iyo isla-hadalka, marmarna ku hafanaysa mawjadaheeda
waaweyn ee ka kooban farxadda iyo
naxdinta, bay maqashay dhawaaqa
taleefanka. Intey sariirtii si halhaleel
ah uga soo boodday bay daaraddii
guriga usoo baxday. Waxay eegtay
saacaddeedii, mise waaba saqdii
dhexe. Waxay ku boodday taleefankii.
“Hallow...xabiibi…iska
warran?
Sidee tahay?.”“Nabad...Qalbi…I am
fine...I really missed you so much...
Caafimaadka ka warran?.”
“Adiga uun baa iga maqan.”
“Anigu berri dambe waan kula joogaa
haddii Alle idmo,” intuu yiri isagoo
qoslaya qosol farxadeed buu yiri “Ma
heshay dhambaalkaygii?”
Ugu horreyn, waxay taleefan u
direen xafiiska Daalo-airline ee
Gaalkacyo si ay u hubiyaan waqtiga
ay diyaaraddu imanayso, waxaana
loo sheegay in 12:00 duhurnimo ay
soo cagadhigan doonto garoonka
Gaalkacyo. Dabadeed, intey dibedda
usoo baxeen bay raaceen taksi ay
Hodon horay usoo kireysey oo guriga hortiisa ku sugayey.
Idman iyo Hodon inteysan ku leexan
waddada tagta garoonka diyaaradaha, waxay sii mareen hoteel
Maanyafuulka oo ay qol ugasii qabteen Shirwac. Hoteello fara badan
oo ka tayo fiican hoteelkaas ayaa
magaalada ku yiil. Weliba ayaamahaas hoteello qurux badan oo casri
ah ayaa magaalada si xad-dhaaf ah
ugu soo kordhayey. Idman inkastoo
ay niyadda ka jecleyd in ay gacaliyaheed dejiso mid ka mid ah hoteelladaas casriga ah, misana waxay
dhinacna u dhaafi kari weydey taladii
hooyadeed Nuuro oo aaminsanayd
in xulashada hoteelka uu qofku degayo ay ku xiran tahay haybtiisa
qabiil ama tan qofka uu martida u
yahay, iyadoo taasna sabab uga dhigaysa in xeer-hoosaadka magaalada
ee aan la shaacin uu dhigayey in reer
kasta ay iyagu mas’uul ka yihiin ammaankooda iyo kan martidoodaba.
Sidaas darteed, reerkii aan hoteel ku
lahayn magaalada waxay ka dhignaayeen reer hoogay oo ba’ay.
“Haa...xabiibi…Isla galabta ayaan Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah
helay...Waan ka xumahay xarigga ayuu u jirey bartamaha magaalada.
laguu geystay.”
Waxay mareen waddada tooska ah
ee tagta garoonka. Markey dhaafeen
“Micno malaha...xabiibi,” intuu yiri qabuuraha Cirjiife bay kusoo bexeen
buu inteysan hadlin u daba dhigay niman hubeysan oo taagtaagan meel
“Xabiibi, waan ka xumay, kulama sii aan sidaas uga sii fogeyn. Intey qohadli karo, laba saac kaddib waxaan ryihii ay wateen kusoo fiiqeen bay ku
aadayaa garoonka diyaaradaha. amreen in ay istaagaan. Darawalkii
Haddii ay suurtagal ii noqoto wax- taksiga intuu baabuurkii joojiyey buu
aan kaasoo wici doonaa garoonka nimankii gacanta u haadiyey. Mardiyaaradaha Dubai, otherwise waa key hubsadeen qofka uu yahay bay
innoo berri dambe duhurradii iyo ga- ugu baaqeen dhoollacaddeyn u dhiroonka diyaaradaha Gaalkacyo…”
ganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo
dhaaf’. Darawalkii intuu baabuurkiisii
“Haye, habiibi...Eebbe haku nabad mootaystay buu socodkiisii sii watay.
keeno...Nabadeey…I love you.”“I Wax yar kaddib bay yimaadeen galove you too…bye.”
roonkii diyaaradaha. Waxaa fadhiyey
seddex diyaaradood oo kuwa QaadIdman intey goor hore toostay bay is- ka keena ah. Waxaa kaloo fadhidey
diyaarin iyo is-qurxin iskula dhaqaaq- diyaarad kale oo shixnad hilib Ari ah
day. Waa maalintii uu gacaliyaheed u qaadeysey magaalada Dubai. Dad
Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala fara badan ayaa garoonka dhex hodoorashada dharkii ay xiran lahayd ganayey. Garoonku ma lahayn meel
ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu loogu talagalay in ay sii fariistaan
dambeyntiise intey mid uun isaga na- rakaabka diyaaradaha raacayey,
siibsatay bay daaradda guriga usoo kuwa kasoo degayey, iyo asaxaabbaxday. Waxay ahayd goor barqo ah toodaba. Fallaaraha cadceedda ayaa
oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroorni- sidii roobkii ugu soo da’ayey. Geedmo. Islamarkiiba, waxaa albaabka aha hoostooda ayaa naf la bidayey.
kasoo gashay saaxiibteed Hodon oo
LA SOCOD CADADKA XIGA
ay xilligaas ballansanaayeen.
AXAD 05 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Qormadda 6-aad
W.Q. Dr.Sadiq Enow
TAARIIKHDA
Dagaalkii Ogaadeenya.
Siyaasiyiintii Soomaaliyeed, iyaga oo ka turjumaya qab-weynida
dhaqameed ee aanu hiddaha u
leenahay ayay is-tusiyeen in gobollada ka maqan eeyan ku soo ceshan
karin miis lawada fariisto iyo wadahadal lala yeesho dowladaha ka
taliya halkaas. Sidaa darteed, iyaga
oo isu diyaarinaya in baadidooda
maqan ay ku soo ceshadaan xoog,
ayay markiiba guddoonsadeen in ay
dhisaan ciidan tiradiisu dhanyahay
20.000 oo nin, isla markaasna ku
qalabeysan hub casri ah.
Dowladda Soomaaliyeed, xilligaas
ma eeyan lahayn dhaqaale cayilan oo ay ku gufeeyaan barnaamijkooda ciidameed. Waxay ahayd
dowlad sabool ah oo aanan dunida
ku lahayn saaxiibo daacad ah oo u
hiiliya. In ay qadiyaddooda keli ku
xambaaraan waxaa khasbay geedisocodka taariikheed oo ay umadda
Soomaaliyeed ku doonayeen in ay
ku mideeyaan bulshadooda xoolodhaqatada ah oo gumeysigu ku
qeybsaday golayaal caalami ah.
Axmad Ismaaciil Diiriye (Qaasim)
oo kamid ahaa abwaanadii dhaqanka, ee ku samiyay gobanimadii
Soomaaliyeed hal geel ee inoo curatay, ayaa gabeygiisii Maandeeq
si wanaagsan ugu qeexay aragtida
hanka weyn ee aanan dabarka lahayn oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ka qabeen qadiyadooda, iyo
siday u arkeen madax-bannaanida
dhantaalan oo ay xoogaggii gumeysatada ahayd dhaxalsiiyeen.
Dowladaha reer galbeedka ayaa
xilligaas waxay xiiso u hayeen in
ay taageero dhaqaale u fidiyaan
dowladihii dhowaan madax-bannaanida qaatay. Laakiin mashruucii dowladda Soomaaliyeed ay ku
doonaysay dhismo ciidan xoogan
oo qalab casri ah sita, waa uu ka
gadmi waayay barlamaanadii dowladaha reer galbeedka. Mareekanku
wuxuu Soomaalida u sheegay in uu
ka kaalmeynayo dhismo ciidan biliis
ah oo tiradoodu dhantahay 6.000 oo
nin, taas oo weliba ay shuruud adag
ku xireen.
Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Dr.
Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu booqasho ku tegay magaalada
Moosko sanadkii 1962-kii. Wuxuu
ku guuleystay in uu madaxdii Soofyeetiga ku qanciyo in ay Soomaaliya u fidiyaan taageero uu ku cusbooneysiinayo dhismaha ciidamada
Soomaaliyeed. USSR waxay oggolaadeen in ay Soomaaliya siiyaan
Galbeed ee Xabashidu Gumeysato.
Waxaa odey ka noqday halgaamaagii caanka ahaa Garaad Maqtal
Daahir Axmad, oo intuusan soo baxsan ahaa guddoomiyaha degmada
Awaare.
deyn 32.000.000 oo doolar ah, taas
oo lagu dhisayo ciidan 20.000 dhan
iyo qalabkoodii. Waxaa weheliya
tababarro aqooneed oo la siinayo
saraakiisha ciidamadaas. Deynkaas
oo aanan wax shuruud ah lagu xirin ayaa waxaa lagu heshiiyay in
ay Soomaalidu ku bixiyaan muddo
20 sano ah. Goor danbe, dowladdii
Soofyeetiga waxay ogolaatay in ay
kordhiso lacagihii deynka ahaa oo ay
gaarsiiso 55.000.000 oo doolar.
Ujeeddada ay USSR u bixisay taageerada intaa le’eg waxay ahayd
baahi ay u qabtay in ay cagaha la
hesho degaanka istraateejiga ah ee
Geeska Afrika, iyada oo isla markaas
uu damac ka hayay in ay Soomaaliya
ka dhigato albaabkii ay ka geli lahayd
qaaradda Afrika.
Mashruuca dowladda Soomaaliyeed
waxaa garab socday dhaqdhaqaaq
siyaasadeed oo ay wadeen qaar kamid ah cuqaal iyo aqoonyahanno u
dhashay beelaha ku dhaqan gobolka Ogaadeenya. Dadkaasi waxay
doonayeen in ay bilaabaan halgan ay kaga xoroobaan maamulka
Itoobiya. Dhaqdhaqaaqaasi ayaa ku
dhamaadey fadhi lagu qabtay degmada Xodayo bartamihii sanadkii
1963-kii. Ragga halkaas isugu yimid
waxaa kamid ahaa Ugaas Biixi Fooley oo ka tegay magaalada Hargeysa,
Ibraahim Xaashi Maxamuud oo ka
tegay Xamar. Waxaa halkaas lagu
gudoonsaday in la qaado halgan
hubeysan oo lagula dirirayo maamulka ka dhisan Ogaadeenya iyo
ciidamadooda oo looga taliyo Addisababa.
16/ 6- 1963-kii, dadkii isu yimid waxay soo saareen baaq xambaarsan
dhismo jabhad dagaalanta, taas oo
magaceeda ay u bixiyeen Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Soomaalida
Jabhaddii waxay markiiba bilowday howlo ciidameed oo isugu jira
weerararo gaadmo ah iyo jid-gooyo,
kuwaas oo ay la beegsanayeen
fariisimaha ciidamada Itoobiya iyo
dhaqdhaqaaqooda. Xilligaas ciidamada Itoobiyaanka ka joogay gobolka
Ogaadeenya waxaa odey u ahaa
Jeneraal Ammaan Maichal Andom oo
dhalashadiisu ahayd Eriteriyaan masiixi ah. Markii ay ku adkaatay la dagaalanka jabhadda ayaa janankii uu
Boqor Xeyle Seleasse u diray qoraal
uu kaga codsanayo in uu weerar ku
qaado soohdinta dowladdii curdanka
ahayd ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha
laga soo hubeynayo jabhadda. Waraaqdaas oo raggii jabhadda ahaa ay
nuqulkeedii ka soo heleen xafiis kamid ah meelihii ay weerareen ayaa
waxay ku qoreyd af-amxaaro. Nin la
yiraahdo Badri Baashaa oo dhalashadiisu tahay Harari iyo nin kale oo
la yiraahdo Xaamud Axmad Faarax
oo u dhashay beesha Ciise ayaa
waxay waraaqdii u rogeen af-carabi
iyo af-soomaali. Waxaa qoraalkeedii
kamid ahaa sidan :
‘’ ………… Boqorkeygiyow, jabhaddan hubeysan ee howdka ku jirta
waxay dhibaato u geysatey ciidamadeenii iyo dadkeenii rayidka ahaa.
Waxaan kaa codsanayaa, aniga
oo qoorta kuu dhiganaya, inaad igu
fasaxdo oo aan ku duulo meelaha
laga soo hubeynayo. Waxaan kuu
ballan qaadayaa in ciidamadeyda
ay muddo laba casho ah ku qabtaan degmooyinka Hargeysa iyo Berbera. Halkaas oo ah meelaha laga
soo hubeynayo ragga jabhadda ah.
…………. .
Waxaan ka xumahay inaan waraaq
kuu soo qoro.
Waa adeegahaagii kuu daacadda
ahaa.
Jeneraal Ammaan Maichal Andom ‘’.
Waxaa xusid mudan, boqorka Itoobiya Xeyle Selaesse in uu ahaa nin la
gaarsiiyay darajo ka sareysa aadamiga. Dicaayad ay gumeystayaasho
abuureen ayaa faaftay oo ah in dhiiga boqorku yahay mid dahiran oo si
gaar ah loo uumey. Hadduu dibadda
usoo baxo dabeyluhu waa istaagayaan, shimbiruhu waa soo hoobanayaan, biyaha webiguna socodka waa
ay joojinayaan.
6
Sidaa darteed ma uusan jirin janan
si toos ah waraaq ugu qori karay.
Nin darajadiisu hooseeysana iskaba
daa. Waraaqda Jeneraal Ammaan
waxay ahayd tii ugu horeysay oo nin
janan ah uu si toos ah boqorka ugu
qoro. Xeyle Selaesse ayaa arintan
kaga soo jawaabey in uu fasaxay in
Soomaaliya lagu duulo.
Hubka casriga ah ee ciidamada
Soomaaliyeed ay ka sugayeen
Soofyeetiga ayaa wuxuu ahaa
qodob ka cuslaa dhaqdhaqaaqa jabhadda oo Itoobiya ku kallifayay in ay
ku soo duulaan Soomaaliya. Waayo,
Itoobiyaanku waxay rumeysnaayeen
in Soomaalidu ay hubkaas si toos
ah ula soo beegsan doonaan dagaal
ay gobolka kaga kicinayaan maamulka Xabashida. Sidaa darted bay u
arkeen fursad haboon in ay weerar
qaadaan intuusan hubka soo gaarin
gacanta ciidamo Soomaaliyeed.
Bishii nofember, sanadkii 1963-kii
ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay
heshiiskii ciidan-dhiska ahaa ee
dhex-maray Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Tallaabadaas ayaa
waxay ka danbeysay socdaalladii isdaba-jooga ahaa oo uu ra’iisul
wasaarihii Soomaaliya iyo taliyihii
ciidamada xooga dalka ay isaga
danbeeyeen oo ay ku tageen dalka
USSR. Bishii agosto ee sanadkaas
waxaa Moosko ka degay Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, bishii xigtay
ee sebtember waxaa isna ka degay
Jeneraal Daa’uud Xirsi. Inkasta oo
Ruushku uusan ku qanacsaneyn in
uu taageero u fidiyo dowlad xambaarsan aragti reer galbeed, misana
waxaa u muuqatay, kaalmada uu
bixinayo in ay sabab u noqon karto
in Soomaaliya uu mustaqbalka ka
abuuro xukun shuuci ah. Sidaa darteed ayuu la soo deg-degay fulinta
is-kaashigii uu la saxiixday masuuliintaa Soomaaliyeed.
Taasi waxay walaac ku abuurtay
dowladdii uu hoggaamiyaha ka ahaa
boqorkii dahirnaa (sida uu sheegan
jiray) ee Itoobiya. Sidaas ayaa ayuu
ku curtay dagaalkii ka dhex shidmay
labada dowladood ee deriska ah
bilowgii sanadkii 1964-kii. Boqor Xeyle Selaesse wuxuu gudoonsaday in
uu Soomaalida kala hor maro dharbaaxada colaadeed, si uu u shiiqiyo
hanka dowladnimo oo Soomaalida
ku abuurmay iyo damaca ay u lahaayeen in ay bahdood gole mid ah
ku ururiyaan.
LA SOCO AXADA DAMBE
TOWFIIQ COMMERCIAL CENTER
KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQ
TELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000
FOODSTAFF BUILDING=823018
BUILDING MATERIAL =826107
www.telcompuntland.com
[email protected]
OGAYSIIS
D
Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland
In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland
N
A
Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan
L
T
�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal
cent) sidiisii hore
N
�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus
cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan
U
P
�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS
( Toban cents halkii fariin)
M
O
C
L
E
Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan
Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore
Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09
Mahad sanidin
Marketing Department
T
Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose:
Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com
JOWLE ENTERPRISES
Office Stationery
Electronics and Satellite Digiitals
HORYAAL
PRINTING
CENTER
ADEEGYADA
DAABACADEED EE
HORYAAL DIYAARKA
KUULA TAHAY
Buugta Akhriska
 Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada
 Receipt Vouchers
 Payment
Vouchers
 Invoices
 Cash Sales
 Daily Sheets
 Business Cards
 Envelops
Stickers
 Prescription
 Register Books
 Text Books
 I.D Cards
 Certifications
 Flyers
 Invitations Cards
KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA
DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U
RABTO
& QIIME KURAALI GALIYA
Office furnitures
Renting Cars % For Selling
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
Tell :- 824299/796169/726169
BOSASO SOMALIA
For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111