Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay

Transcription

Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay
ILAYS
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
Ilaysnewspaper Founder
C/shakuur Mire Aadan
Ilaysnewspaper Editor
Omar Siciid Moh’ed
E:- [email protected]
AXAD 26 APRIL 2009
Caddadka 25aad,
25aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh
OUR SERVICE
OUR SERVICE
GSM
INTERNET
SMS MASSAGE
E-ADEEG
M.waynaha PL “Waxaa Nala ku yiri Maamulkiina
Ayaa qayb ka ah burcad-badeeda”
Puntland Oo Laga Xusay
Maalinta Duumada Adddunka
Wasiirka Maaliyada
Puntland Waa kuma?
Miisaaniyada 2009, Maxay kaga
duwanaan Doonta Tii 2008?
EEG BOGGA 7AAD
Toddobaadkan, xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxay
gollaha Wakiilada ee puntland u gudbin doontaa Miisaaniyad sannaadeedka 2009 oo muddo saddex billood ah
ay xukuumadu ku soo diyaarisay.
Lacag Loo Balanqaaday somalia iyo Qaabka Loo Qaybsanayo
Dakhligii 2008 Ee DGPL
EEG BOGGA 3AAD
Taariikh nololeedkii S/Guud
Ismaaciil Cali Obokor
EEG BOGGA 7AAD
Aways Oo Hadlay Iyo
Shariif Oo U Jawaabay
EEG BOGGA 2AAD
Tiirka Sedexaad ee
Dawladnimada:Qaanuunka .
EEG BOGGA 5AAD
Sannadka 2008, qiyaasta dakhli ee
la sameeyey waxay ka badnayd tii
Sannadkii 2007,waxaana ku kordhay
Dakhliga Dowlada, Shso.4.736B una
dhiganta 18.6%, taas oo ku dhisan qiyaas laga qaatay saansaanta socodka
dakhliga dhabta ahi u soo xerooday
sannadkii 2008.
Waxaa kale oo jirtay in Wasaaradda
Kallumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda sadaal dakhli oo dhan
shso. 5 B bishiiba oo ka imaanaysay
Ruqsada Gaadiidka Kalluumaysiga,
iyagoo ku adkaysanaayay in ay dakhligaas soo xerayn doonaan dhamaantiis. Hase yeeshee, qiyaastaas waxaa
laga qaatay oo miisaaniyadda lagu daray Sh.so. 1.592B oo u dhiganta 30%
oo ka mid ah dakhligii ay keeneen.
Sidoo kale waxaa jirtay wareejin dakhli oo aan badnayn oo ka imaanaysa
Curaaraha Hay’adaha Dawladda loo
qabto, sida ku cad Xeer Madaxweyne
Lr. 135 ee August 23, 2007.
Iyadoo aynu ognahay in dowladu weli
ku dhaqanto Misaaniyadii la dejiyay
2008,Haddaba Maxay Noqon doontaa Misaaniyada Cusub, Waa kuma
Wasiirka cusub ee Maaliyada
EEG BOGGA 2AAD
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Faarax Cali Jama, Wasiirka
Maaliyada Puntland waa kuma?
Madaxweyne Shariif Oo
Jawaabay Xasan Daahir
Sabti,25,April, Somaliweyn
Mogadishu Sabti, 25 April 2009 TAARIIKHDA WASIIRKA
Madaxweynaha Dowladda FKMG
W/D Omar M. Farah (dhollawaa).
Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed
oo ku sugan magaalda Buaksalis Shakhsi ahaan Faarax waa nin deee dalka Belguim ayaa sheegay gan, leh aqoon diimeed, mid cilmaani
in uu soo dhaweynaayo imaatinka ah iyo mid dhaqanba. Intaan ka aqamagaalda muqdisho
sh.Xasan an waa nin ka fiirsada ficilkiisa aadna isaga ilaaliya eeda dadka. Waa
Daahir Aweysa.
Dhinaca kale wuxuu sh. Shariif ku nin Soomaalinimadu ku weyn tahay
booriyey dham maan kooxaha aadna u dareensan dhibta ummada
mucaaradka ee dowladiisa in ay haysata iyo meeshay salka ku haynoqda an mucaarad wax dhisaya, so, aadna u odorosa sidii looga bixi
isla markan aan loo bahneyn in ay lahaa. Faarax wuxuu ka mid ahaa
noqdaan kuwa horseeda dagaalo odayaasha reer Puntland ee aadka
iyo burbur in dal ka dib loogu celiyo, ugu ololayn jiray sidii Puntland horubacdamaa shacabka Soomaaliyeed mar heer walba ah loo gaarsiin lahaa
aanay ka soo bogsanin dhaawacyadii loona ilaalin lahaa nabadeeda oo loo
18ka sano ka soo gaaray dagaaladii arko inay asal u tahay horumarka.
dalka ka dhacay.
“Waxaan filayaa Sheekh Xasan Dhinaca aqoonta, Faarax wuxuu xirDaahir inuu ku baraarugsan yahay fadiisa ka bilaabay ciidamadii xooga
marxaladan adag sidii dadka iyo looga dalka Soomaaliyeed wuxuuna qayb
saari lahaa” ayuu yiri Madaxweyne weyn ka soo qaatay dagaaladii 77da
Sheekh Shariif oo dhinaca kale oo Soomaaliya la gashay Ethiopia,
tilmaamay in mucaaradka dowladiisa ka dibna waxaa loo xiray sabab la
ay ka qeyb qaataan nabadgelyada, xiriira haybtiisa oo xilligaas qof ugu
sharciga iyo kala dambeynta in dalka filayd in la xiro haddaanba la dilin.
Burburkii dalka ku habsaday ka dib
lagu soo celiyo.
wuxuu u dhoofay ugu horrayn dalka
Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh Yemen, halkaas oo uu uga sii hayShariif ayaa tacsi u diray dhammaan aamay dalka Newzealand oo uu
saraakiishii Maxkamadaha Islaamiga muddo ku noola kagana qalin jebiyah ee lagu dilay Muqdisho, wuxuuna ey Jaamacada kuna bartay aqoonta
ugu baaqay kooxaha dilalka kawada xisaabaadka. Muddo ka dib wuxuu u
gudaha dalka, in marnaba aanay soo degel rogtay Australia. Wuxuuna
gaareynin hadafkooda mar haddii ay shaqa ka bilaabay hay’ad caalami
banneysanayaan daadinta dhiigga ah oo la yiraahdo International Plan,
halkaas oo uu haystay qaybta xisaashacabka.
baadka-soo-gala-hay’da. Muddo ka
Jocob Zuma & Xisbigiisa
dib Faarax waa iskaga tegay shaqaANC Oo Ku Guulaysatay
daas
Doorashadii Dalka
Koonfur Africa
Sabti,25,April, Somaliweyn
Xisbiga talada haya ee ANC, ayaa
si weyn ugu guulaystay Doorashada
Madaxtinimada ee dalka Koonfur
Afrika ka dhacday arbacadii, sida uu
ku dhawaaqay gudiga Doorashada.
Ka dib tirintii codadka ilaa 23-Milyan
oo ruux, ayaa sida in badan la
saadaalinayey waxaa si rasmi ah
ugu guulaystay doorashada guud ee
dalka Koonfur Africa Hogaamiyaha
Xisbiga African National Congress
(ANC) Jocob Zuma, sida uu kusoo
waramayo wariyaheena Koonfur
Africa C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhajaceyl.
ANC, oo saddex-meelood laba meel
heshay taageerada shacabka, ayaa
hanatay 65.9% codadka la tiriyey,
xisbiga DA oo loolanka doorashada
si aad ah uga muuqday ayaa isna
heley ilaa 16.66%, halka xisbiga
COPE uu heley 7.42%.
Hase ahaatee gudiga Doorashada
ayaa ka dhawaajiyey in Xisbiga
ANC, uu waayey awoodii hanashada
dejinta dastuurka dalka, oo uu ku
seegay hal cod oo qura.
2
wuxuuna dib u galay mid ka mid ah
Jaamacadaha Australia kuwa ugu
sarreeya oo la yiraahdo Monash University halkaas oo uu ka qaatay Shahaadada loo yaqaan Master oo uu ku
bartay Culuumta sarre ee xisaabaadka iyo maaraynta.
Muddo ka dib Faarax wuxuu shaqo
u bilaabay shirkad weyn oo ka taal
Gobolka Fiktooriya una jirta Melbourne 120 Kilometer, wuxuuna ka
shaqeeyey qaybta maaraynta xisaabaadka. Wuxuuna halkaas ka shaqaynayey ilaa dhamaadkii 2008da.
Faarax intaan kala socdo, Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha
Puntland ee hadda saaxiib gaara
maahayn, laakiin waxa keliya oo ka
dhexeeyey wuxuu ahaa iyaga oo siyaasada guud oo dalka aragti siman
ka lahaa, wuxuuna Cabdiraxmaan
ogaa aqoonta iyo kartida Faarax,
oo ay weliba u wehelisay aqoonta
dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo
muhiima marka loo adeegayo dad
Soomaaliyeed. Labadoodu waxay
ka midaysnaayeen wax ka bedelida
hanaanka iyo beekhaaminta dhaqaalaha iyo u dib-ugu-jihaynta dhaqaalaha dadka xaqa u leh. Mana jirin
xiriir shaqo oo ka dhexeeyey Faarax
iyo Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaana
kuma lahayn kumana yeellan meherad ganacsi wadanka Australia wuxuuna markuu soo dhoofayey u shaqaynayey Hay’ada Kor-u qaadida
Shaxda Dakhliga sannadkii 2008:Madax
M/Xige
WARARKA
Nolosha Soogalootiga iyo Qoondaynta barnaamijyadooda oo ku taalla Melboure, Australia.
Gunnaanadka/Ilays
Md, Faarax Cali Jaamac, Taariikhdii
nololeedkiisu waxay noo iftiiminaysaa in uu aqoon durugsan u leeyahay
dhaqaalaha iyo Maaliyada, taasina
waxay suurtagelinaysaa in puntland
yeelato dhaqaale sugan oo la isku
halayn karo.waxaa kaloo la filayaa
wasiirka Maaliyada in uu sees adag
u dhigo Wasaarada Maaliyada oo
lagu tilmaamo Wadanaha Dowlada
kasta oo Adduunka ka jirta.
Xukuumadii Hore ee puntland, oo
wasiirka Maaliyada uu u ahaa Dr
Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo
soo diyaarisay Misaaniyadii 2008,
waxay ku guuldaraysatay in bixiso
Mushaharka shaqaalaha Muddo 8
billood ah, waxay kaloo ku fashilantay in ku socoto Miisaaniyadii ay
degsatay.
Qiyaas
Tilmaan
Sanadeed 2007
Sanadeed 2008
Bileed 2008
219,948,000,000
264,135,300,000
22,011,275,000
1.1.0
Cashuurta Kharashka
2.1.0
Cashuurta Dadban
29,580,000,000
35,916,000,000
2,993,000,000
3.1.0
Cashuurta wax soo saarka
4,824,000,000
24,000,000
2,000,000
4.1.0
Cashuurta Dakhliga
6,918,000,000
7,980,000,000
5.1.0
Dakh. Hantida Dawladda
7,878,000,000
6.1.0
Dakh. Adeega Dawladda
27,180,000,000
28,970,700,000
2,414,225,000
7.1.0
Wareejinta iyo Qaaraanka
9,480,000,000
6,240,000,000
520,000,000
Wadar
305,808,000,000
362,646,000,000
30,220,500,000
19,380,000,000
665,000,000
1,615,000,000
Shaxda kharashka sannadkii 2008:Qiyaas
Sanadeed 2008
Bileed 2008
Lr.
Tilmaan
Sanadeed 2007
1
Mushahar/Gunno
208,845,324,000
228,894,486,000
19,074,540,500
2
Hawl socod siinta Dawladda
41,636,676,000
52,305,456,000
4,358,788,000
3
Kharashka Guud
16,012,740,000
24,246,654,000
2,020,554,500
4
Bixinta Deym/Magaha & Khid/ha
29,973,780,000
34,653,564,000
2,887,797,000
5
Hantigelinta Mashaariicda
5,172,000,000
8,040,000,000
670,000,000
6
Deeqaha iyo Kaydka
4,167,480,000
14,505,840,000
1,208,820,000
Wadar
305,808,000,000
362,646,000,000
30,220,500,000
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
WARARKA
300 oo Qof Oo
Indhaha Loo Fiiqay
M.waynaha PL “Waxaa Nala ku yiri Maamulkiina
Ayaa qayb ka ah burcad-badeeda”
W/DXuseen Xasan Xuseen (obama)
H
24 APRIL/GAROWE/ILAYSNEWSPAPER
ay’ada Al-Basar ee saldhigeedu
yahay dalka sucuudiga ayaa 300
qof oo somalia indhaha ugu fiiqday si
lacag la’aan ah magaalada Bosaso.
M
adaxwaynaha Puntland Dr.C/
raxmaan Sheekh Maxamed oo
maalintii Jimcaha ee 24 April, 2009,
Masaajid dhexdiis khudbad ka jeediyay ayuu kaga warbixiyay Kullamo
uu kula soo yeeshay Nairobi Wadamada Midowga Urub iyo Maraykanka, maamulka Puntland iyo dadka
reer puntland-ba lagu shaabadeeyay
burcad-badeed oo lagu eedeeyay in
qayb ka mid ah maamulka ay xiriir la
leeyihiin burcad-badeeda.
“Waxaa nala ku yiri Maamulkiinu
xiriir dhow buu la leeyahay burcadbadeeda, waxaan ku jawaabnay
wax xiriir ah oo aan ognahay lama
laha burcadb-badeeda maamulkayagu, baaritaana waanu samaynay,
waxaa nala ku yiri hadaba maamulkii hore baa burcad-badeeda xiriir
la lahaa, waxaan ku niri anaga kuma
aanan maqal mana aamisanin in uu
maamulkii hore uu xiriir la lahaa burcad-badeeda”.
M.waynaha ayaa khamiistii soo guryo noqday, waxaana Niarobi ka
soo qaaday Diyaarada ay leedahay UN-ku,markii uu ka soo dagay
garoonka diyaaradaha ee Garoowe
wuxuu si weyn uga ka hadlay burcad-badeeda iyo in caalamka oo
dhan ay boog kaga dhigeen Puntland burcad-badeeda, wuxuuna xusay in ay suuragal tahay in puntland
(Bosaso,Garowe iyo Magalloyin
kale)la soo weeraro. haddii aynaan
iska qaban burcada .
Madaxweynaha
puntland
ayaa
wacad ku maray in uu xiddiidada u
3
Koox 19 qof ka koobnayd oo isugu
jiray dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin
ayaa 17-22 April, 2009, ka bilaabay
howlo isugu jira daawayn iyo qaliin
cusbitaalka Kulliyada Caafimaadka
ee Jaamacada Bariga Afrika, waxayna qaabileen dad ku dhow 3000 kun
oo qof oo isugu jira Waayeel, Dhalinyaro iyo Haween.
Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo uu dhinac socdo Madaxwey k/xigeenka puntland oo ka soo degan Diyaaradii Nairobi ka soo qaaday 23,April,09
siibi doon burcad Baddeeda ka qowlaysatada Badda puntland iyo Gacanka Cadmeed.
Intii uu ku sugnaa madaxweynaha
puntland Nairobi waxaa uu ka dalbaday beesha caalamka in ay bixiyaan
Lacag gaaraysa 20 million oo dollar.
Md, Faroole waxaa uu sheegay
Beesha Caalamka, in xukuumadiisu
ay dhisaysi ciidamo gaaraya 25 oo
askari, 500 askari oo ka mid ah ciidamadaasi waxay ka howlgali doonaan xeebaha puntland, 2000 kun
ee askari ee kale waxay ka howlgali
doonaa dhulka bariga puntland
Waxaana laga samayn doonaa saldhigyo iyo Radaro magaalooyinka ku
teedsan xeebaha puntland
.Madaxweyne Faroole waxaa uu si
aan gabasho lahayn u caddeeyay
sida uu uga soo horjeedo in cirka
laga duqeeyo magaalooyinka iyo
dhulka puntland, waxaana uu sheegay in duqaymahaasi ay keeni doonaa in la laayo dad aan waxba galabsan.waxaana uu intaa ku daray
sida kaliya ee loo joojin karo Burcad-Badeedu tahay in gacan la siiyo
puntland, lagana taageero dhismaha
ciidamo amni oo tayo leh.
Burcad-Badeeda somalida ayaa
boqolaal maraakib ah ka afduubata
marin biyoodka ugu mashquulsan
Addunka waxayn sanadkan oo keliya madax furasho u qaateen 38 million, lacagtaas oo ka badan Miisaaniyada Sanadeedka puntland oo lagu
qiyaaso 30 iyo dhowr milyan .
OUR SERVICE
Dr.Yuusuf C/Casiis oo hay’adan
khayriyada suurtageliyay imaatinkoodii puntland ayaa u sheegay
wagayska ilays, in dhibaato badan
ay kala kulmeen keenida dhakhaatiirta iyo Hay’adan “ waxaa loo sheegay dhakhaatiirta in Nabadi ka jirin
puntland, oo burcad-badeed iyo
burcad-berriba ay ka jiraan, waxaa
lagu yiri kafantiina sii qaata, hase
yeeshee markii ay idhahooda ku arkeen Nabad iyo xasiloonida ka jirta
puntland waxay ballan qaadeen in ay
markale oo aan dheerayn ay ku soo
laaban doonaan puntland, oo qaliimo
noocan oo kale ah samayn doonaan”
sidaas waxaa yiri, Dr. yuusuf.
Dr. yuusuf C/casiis waxaa uu noo
sheegay in Barnaaijka indho fiiqida
ee Hay’adani ka samaysay Bosaso
uu ahaa midkii ugu kharajka yaaraa
Barnaamijyadii midkan ka horreeyay
ee ay ka soo sameeyeen gobolo kala
duwan, “Waxaa la shaqeenayaya
ardayda Jaamacada Bariga afrika,
waxayna isticmaalayeen Qalabka
Jaamacada sida Baabuurta oo kale”
OUR SERVICE
GSM
INTERNET
SMS MASSAGE
E-ADEEG
GOLIS LANDLINE FEATURES
Sidee E-mail
Gacanta
looga
dirsan
karaa
Mobile-kaaga
�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka
ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor
marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected]
[email protected]
�dabadeed dir fariinta.
NB: dal iyo Dibadba waa isku mid
CALLCONFERENCE
XARUNTA SHIRKADA ISGAARSIINTA EE GOLIS BOSASO
(ISGAARSIINI WAA GOLIS
Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference
�Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale
garaac kadib taabo callcomference
�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana
taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa
dhamaan dadkaad rabtay
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
RA’YIGA
Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka
u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009
4
CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009
Qaybta Afraad
S
ida aan kor kusoo xusnay, waxaa
jira dalal aan weli saxiixin xeerka
Badaha Adduunka oo tiradoodu gaarayso ilaa 17 dal. Waxa kale oo jira
dalal kor u dhaafaya 20 oo xeerka
saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaana ka mid ah Maraykanka.
Dalka Maraykanku in kasta oo uu ka
mid yahay dalalka saxiixay, haddana
heshiiskaas weli ma dhaqan gelin,
sababtoo ah waxa uu diidey qodobka
Part XI ee xeerka Badaha.[9]
Qodobka Part XI waxa uu ku saabsan
yahay xad u samaynta badda wixii ka
baxsan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ). Waxaana qodobkaasi
sheegayaa in aaggaas wixii ka baxsan ay noqoneyso Bad Caalami ah
oo ay maamulaan Beesha Caalamka, gaar ahaan hay’ad Qarammada
Midoobey samaysay oo loo soo
gaabiyo ISA (International Seabed
Authority), hay’addaas oo qaabilsan macdanta ku jirta ubucda badda
hoosteeda. Waxay hay’addaasi bixin
kartaa ogolaanshada iyo shatiyada
sahaminta iyo baarista macdanta ee
badda ka baxsan aagga EEZ, iyada
oo macaash ka qaadanaysa.
Haya’dda ISA in la asaaso waxaa la
soo jeediyey 1982, kulankii Qarammada Midoobey ee lagu qabtay Jamaica. Waxaase la ansixiyey 16kii
November 1994, laakiin waxay ISA si
rasmi ah u hawl gashay June 1996.
Xarunteeduna
waa
magaalada
Kingston ee dalka Jamaica.[10]
Dalalka Bariga Afrika ee aan weli
saxiixin heshiiska Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka waxaa
ka mid ah Eritrea. Dalka Eritrea xilligii la qabtay shirkii lagu saxiixay
Xeerka Badaha waxa uu ku hoos
jirey gumaysi, waayo Itoobiya ayaa
dalkaas qabsatay 1962. Waxayna
Eritrea xornimadeeda si rasmi ah u
ugu dabaal degtay May 24, 1993.
Dalalka kale ee Afrikada Bari ee
Heshiiska Badaha saxiixay, laakiin
aan weli dhaqan gelin, waxaa ka mid
ah Ethiopia. Dalka Ethiopia xilligii uu
saxiixay heshiiskaas oo ahayd 10kii
December 1982 waxa gacanta ugu
jirey dekedda Casmara iyo qayb ka
mid ah Badda Cas oo ah dhulka Eritrea. Laakiin maadaama dadkii lahaa
xeebta ay dagaal kula jireen, markii
dambana laga xoreeyey badda cas,
waxaa xukuumadda Ethiopia ku adkaaday in ay dhaqan geliso Xeerka
Badaha.
Soomaaliya, sidii aan kor kusoo aragnay, waxay ka mid ahayd dalalka Afrikada Bari ee saxiixay, oo haddana
dhaqan geliyey Xeerka Badaha inkasta oo markii xeerkaasi sida rasmiga ah dhaqan galay 1994 aysan
Soomaaliya ka jirin Dawlad Dhexe - oo
dagaal sokeeye ka bilowday December 1990. Dagaalkaas oo sababay
burbur ku dhacay dhammaan hannaankii dawladeed. Khasaaraha naf
iyo maal ka sokow, waxaa burburay
wixii xog, macluumaad, dukumiinti
iyo tixraac ahaa ee Soomaalida ugu
kaydsanaan jirey madxafyada iyo diiwaanka dawladda. Waxaa burburay
dhaqaalihii dalka, waxaana dalka ka
baxay in badan oo ka mid ah dadkii
wax u bartay.
Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka.
10kii June 1996 ayey ahayd markii
ugu horeysey ee Qarammada Midoobey si rasmi ah looga hadlay in
la sameeyo Guddi ka soo baaraan
dega sidii loo kordhin lahaa badda
ay xuquuqda u leeyihiin dalalka leh
xeebaha, taas oo fogaantii ahayd 200
nmi looga dhigo ilaa 350 nmi (648
km), ayadoo la cuskanayey xeerka
Qarammada Midoobey ee Sharciyada Badaha ee dhaqan galay 16kii November 1994. Arrintaas si loo dhaqan
geliyana waxaa loo baahday guddi
hawshaas u xilsaaran.
13kii March 1997 ayaa markii ugu horeysey waxaa la doortay Guddiga Xadaynta Badaha oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaas oo loo soo gaabiyo
CLCS (Commission on the Limits of
the Continental Shelf ) waxaa la soo
doortaa shantii sanoba mar. Sidaas
daraadeed guddigii koowaad oo hawshiisa bilaabay 16kii June 1997 waxaa la bedeley 16kii June 2002, waxaana guddigaas sii bedeley guddiga
hawsha hadda gacanta ku haya oo
shaqadiisa bilaabay 16kii June 2007
(ee shanta sano 2007-2012). Guddigaasi waa kan u xil saaran in ay falanqeeyaan oo go’aamiyaan xogta iyo
macluumaadka badaha ee ay dalalku
ku soo wareejiyaan ee la xiriirta xadaynta aagga ganacsiga badaha.[11]
Guddiga Xadaynta Badaha waxaa
xarun u ah Qarammada Midoobey
Xarunteeda magaalada New York.
Kulankii 13aad ee ay yeeshaan Guddiga Xadaynta Badaha oo dhacay 26kii
April 2004 ayey ku xadideen waqtiga
kama dambaysta ah ee dalalku ay ku
keenayaan macluumaadka, xogta iyo
khariidadaha la xiriira badaha dalkaas
si loogu kordhiyo baaxadda badda
laa 350nmi (648 km). Waqtiga kama
dambaysta ah ee dalalka loo qabtay
iwaa 13ka May 2009. Waxaana
shardi ah in macluumaadka la soo
gudbinayo ay waafaqaan sida uu dhigayo Qodobka Article 76 ee Xeerka
Xadaynta Badaha
Sida ku cad Xeerka Badaha Adduunka ee UNCLOS, dalalka doonaya
in ay calaamadiyaan xadka badda
dhulkooda inta ka baxsan 200 nautical miles (nmi), waxaa laga doonayaa in ay Guddiga loo Xilsaaray
Xadaynta Badaha u keenaan ama
ku soo wareejiyaan akhbaar cilmiyeedka ku saabsan Juquraafiga iyo
xadka badda dalkaas (oo Email ugu
diraan: [email protected] ama toos
ugu geeyaan xafiiska UN-ta ee New
York) . Waana in guddiga (CLCS)
xogtaas lagu wareejiyo inta ka horeysa May 13, 2009. Guddigaas ayaana go’aan ka gaaraya xogta.[12]
Kulan ay yeesheen Qarammada Midoobey 19kii June 2007 ayaa looga
hadlay baaxadda ay leedahay hawsha ku soo fool leh Qarammada Midoobey, gaar ahaan qaybta u qaabilsan farsamada cilmiga Juquraafiga.
Guddiga Xadaynta Badaha waxa ay
muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin
kharash aad u farabadan, farsamo
iyo aaladda computerka/Software
lagu socodsiiyo hawsha xadaynta
badaha. Dalalkii halkaas ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika
oo aad ugu dooday in dalalka soo
koraya ay ku adag tahay arrintaasi
oo aysan waqtiga loo qabtay ku keeni karin macluumaadka looga baahan yahay.[13]
Qodobka Article 76 ee Xeerka
Xadaynta Badaha
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan
u sheegaya macluumaadka looga
baahan yahay dalalka leh xeebaha
si loogu kordhiyo ballaca badda ay
xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo
baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi
(648 km) oo dhanka badda ah, xogtaas oo muujineysa Juquraafi ahaan
in Qalfoofka Qaaraddu ay hore u sii
gashan tahay badweynta. Waa arrin u baahan cilmi, lacag, waqti iyo
farsamo casri ah iyo dad aqoon u leh
oo wax ka dhaadhicin kara Guddiga
Qarammada Midoobey arrintaas u
xilsaartay.[14]
Qodobka Article 76 waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida loo samaynayo
khariidadda lagu xadaynayo biyaha
dalalka leh xeebaha, ayadoo laga
cabbir qaadano wixii ka baxsan
meel xeebta u jirta 200nmi. Waxaana qodobkaas ka mid ah:
•Waxaa shardi ah in xadka baddu
uusan ka badan meel xeebta u jirta
350nmi,
•ama aan ka durugsanaan karin 100
nmi meesha uu maro cabbirka 2,500
metre isobath oo ah xarriiq isku xireysa meel badda hoos u gashan ilaa
2,500 mitir. (Halkaas weeye meeshii
ay dawladdii Soomaaliya maanka ku
haysay markii ay qoraysey Xeerka
#37/1972 qodobkiisa 2aad oo dhigaya “Meesha cabbirka laga bilaabayo
waa meesha ugu hoosaysa xeebaha
Soomaaliya” -- xeerkaas markaa la
waafajiyo xeerka cusub ee badaha
macnaheedu waxa weeye: si loo
xadeeyo badda Soomaaliya waxaa
laga qiyaas qaadanayaa barta ugu
hoosaysa dhammaanta xeebaha
Soomaaliya oo markaas hoos looga
sii socon karo 2.5km (2,500 mitir).
•Waxaana shardi ah in meesha laga
cabbir qaadanayo ay xadidayaan loolka iyo dhigaha adduunka.
•Muhiimaddu waa in la caddeeyo
in Qalfoofka Qaaraddu uu hore usii
gashan yahay badda hoosteeda.
Waxaa shardi ah dalalku in ay raacaan arrimaha ku qeexan qodobkaas si loo aqbalo xogta ay u gudbinayaan Guddiga Xadaynta Badaha.
Arrintani waa caqabadda ugu weyn
ee soo food saareysa dalalka soo
koraya, waayo farsamada ku qeexan qodobkaas oo ah mid u baahan
cilmi dheeri ah iyo aalad farsamo oo
aysan haysan inta badan wadamada soo koraya. Marka laga hadlayo
Soomaaliyana waxaa laga soo bilaabayaa (gal galin, gubad).
Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga
Xadaynta Badaha.
Waxaa hadda dunida ka socda
dadaal xoog leh oo ay dalalku ku
doonayaan in waqtiga loo qabtay ay
xogta iyo cabbirka badahooda ugu
gudbiyaan Qarammada Midoobey
si loogu kordhiyo baaxadda badda.
Waxayna Qarammada Midoobey
daabacdaa liiska dalalka ee xogta
soo gudbiyey.[15]
Ruushka ayaa ahaa dalkii ugu
horeeyey ee macluumaadka u gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha,
waxana dalkaasi uu xogta la xiriirta
cabbirka badihiisa Qarammada Midoobey gaarsiiyey 20kii December
2001.
LA SOCO CADADKA XIGA
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada:
Qaanuunka dalka
W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)
Q.2aad
Sidaas darteed, xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri
ah iyo qawaaniin faahfaahisan ee
lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha
ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku
dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa
dastuurka in qawaaniintisu ayan
khilaafi karin mabaadi’da Islaamka.
Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee
lagu sameeyay dalka Jabuuti 2000
oo qoraaga maqaalkaan ku jiray
dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa “Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci
iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa
waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa laga tuuray Axdiga hadda
lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed, ansixinta
ku dhaqanka shareecada waxaa ku
filan in qodobkaan baarlamaanku dib
ugu daro Axdiga, dabadedna hoos
loogu dejiyo qawaaniinta iyo habdhaqanka xukumadda iyo bulshada.
Waxaa kale oo in la fahmo ubaahan,
dastuurada dawladaha Muslimka ah
intooda badan waxaa ku qoran in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee
dawlada, hadana Islaamka lagama
dhigto marjaca qawaaniinta iyo
dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm.
Turaale, Axdiga KMG ee Somaaliya
wuxuu qorayaa “ Shareecada Islaamku waa iney noqotaa saldhiga asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2).
Bal isbarbar dhig sida qodobkaan
uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor
kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay
iska horimadka ka jira dalalkaas oo
ka dhexeeya dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu
waxey ku dheganyihiin qawaaniintii
ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka Islaamkuna waxey rabaan in
dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada Islaamka. Markii la
ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo
doorashooyin. Tusaale, dalka Algeeriya waxaa xoog lagu maquuniyay
xarakadii Islaamka markii ay doorashadii ku adkaatay sanadkii 1991.
XAMAS waa la caburiyay markii ay
doorashada ku guuleysatay. Dhanka
Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975
dawladda Somaaliya soo saartay
wuxuu ka soo horjeeday Islaamka,
waxaana lagu dilay 10 Sheikh oo
arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis laga
kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka,
waxaa sameymay kooxo Islaamiyiin
ah oo xanaqsan oo qoragooda garabka saartay, go’aansadayna iney
xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay, dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo
gaalada tageerta waa in lala jihaado
“ qaniinyo qaniinjo ayaa kaa fujisa”.
Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey
qaateen wadda kale oo ku dhisan ka
shaqeynta isbedelka bulshada oo
waqti dheer u baahan iyo sabar iyo
dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo
ka qabtaa in si nabad ah isbedelka
lagu sameeyo. Labadaas aragti
ayaa maanta ka jira Somaaliya iyo
caalamka oo dhan.
Si looga gudbo ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub
ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu
waa Muslim, kamana jirinaan kooxo
abaabulan oo cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya
waxaa sabab u ah sedex arin: (1)
Aqoon la’anta in Islaamku yahay
diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo
xukunka). Dadka aan diinta aqoon
waxaa iskaga khaldama ficilka
dadka sheeganaya diinta qaarkood
iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu waxey
arkeen dad leh magac wadaad oo
aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu
dad badan ayey shaki ka gelisay ku
dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee hubeysan oo magaca
diinta la huwiyay. Waxaa la arkay
kooxo umuuqda iney dadka ka xigsanayaan Islaamka, una haystaan
in Islaamku yahay sida ayagu wax
u arakaan. Sidaas darteed, Islamka
hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan.
(3) Dawladaha Ajnabiga ah oo faraha kula jira Somaliya waxey cabsi
ka qabaan ku dhaqanka Islaamka.
Dawladahaas waxey si joogto ah
ucadaadinayaan xukumadda oo uga
baahan kaalmo nooc kasta, haddii
lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay xikmad weyn iyo farsamo qotodheer.
Si looga tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah
in lagu dhaqaaqo tilaabooyin
khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la
sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan
khubarada qawaaniinta iyo Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa
iney isku aqriyaan shareecada iyo
qawaaniinta, iney ka faa’ideystaan
cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka mid ah
caalamka Islaamka. Khubaradaas
ayaa laga rabaa iney kala taliyaan
dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga
rabaa iney shirar u qabataan
aqoonyahaannada, wacyigeliyaan
dadweynaha, kuna qanciyaan aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha
kale.
Gunaanadkii, dawladnimada waxaa
sal u ah muwaadinniinta qaraanka
bixiya, qaanuunkana u hogaansama.
SHEEKOOYIN
5
Qaannunka koobaad ee dawladu
waa dastuurka, dabadedna waxaa la
sameeyaa qawaaniinta inteeda kale.
Dadka Somaliyeed uma hogaansami
yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed,
waa inaan sameysanaa qawaaniin
aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa
lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala
saarin culimo iyo caami, wadaads
iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami.
Wadajirkooda iyo isla garashadooda
ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku
waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey
intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!!
Malaayiin Lacag Oo Loo Balanqaaday Dowlada
somalia iyo Qaabka Loo Qaybsanayo
dhaafay intii ay filayeen dadkii soo
qaban-qaabiyay.
D
eeq-bixiyayaasha
caalamka
ayaa ku yaboohay in ay bixinayaan in ka badan 213 milyan oo
doollar si Somaaliya gacan looga siiyo in ay dib-u-dhisto ciidamadeeda
ammaanka, la dirirto burcadda isla
markaana soo celiso kala dambayntii.
Wadarta lacagtaas lagu yaboohay
ayaa loogaga dhawaaqay maalintii
Khamiistii shir ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brusseles, halkaasoo oo madaxwaynaha Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu
caalamka uga codsaday in ay ku
caawiyaan dhaqaale lagu xasiliyo
dalkiisa.
Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay Ban Ki-moon ayaa ergooyinka ka soo qayb-galay shirka
u sheegay in burcad-badeeddu ay
kaliya yihiin calaamad ama astaan
muujinaysa fowdada ka taagan
Soomaaliya, sidaa darteedna wax
ka qabashada xaaladda ammaanka
ee gudaha taalla ay yarayn doonto
howl-gallada burcadda ee badaha.
Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan
arimaha horumarinta Luis Micheal
ayaa ku dhawaaqay in shirku guulaystay, isaga oo intaa ku daray in
dhaqaalaha lagu yaboohay uu
Madaxweyne Shariif, Xoghayaha
Qaramada Midoobay Ban Ki-moon,
Havier Solana iyo madax kale oo uu
ka mid yahay Ergayga Gaarka Axmadou Walad Cabdalla ayaa shirkaasi markuu dhamaaday halkaasi ku
qabtay shir jaraaid oo wadajir ah oo
ay uga hadleen qiimaha shirkan uu
u leeyahay dalka Soomaaliya, kaasoo ay dhamaantood isku raaceen
inuu yahay kii ugu muhiimsanaa ee
Soomaaliya loo qabto si deeq loogu
uruuriyo.
QAABKA LOO QAYBIYAY.
Sida lagu xusay Warbixin kooban oo
ay soo saartay Xafiiska Qaramada
Midoobay u qaabilsan siyaasada somalia (UNPOS), Ujeedada shirkan
loogu qaaraamaya somalia waxay
ahayd in loo helo dhaqaale lagu
taageero Hay’adaha ammaanka somalia iyo ciidamada Nabad ilaalinta
Midowga Afrika ee (AMISOM).
12 billood ee soo socda waxaa la
siin doona Xukuumada somalia 31
million oo dollar, lacagtaas oo loogu
talagalay 16kun oo ciidamada Ammaanka.
134 Million oo dollar oo lacagta somalia loogu deeqay waxaa la siin
doonaa ciidamada AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 4,300 oo askari.
“31 million ee dollar ee la siinayo somalia, iyo 134 Million ee la siinayo
ciidamada AMISOM, ma aha oo kaliya in Ihaano iyo Quursi ku tahay somalida, balse waa arrin aan Caqli gal
ahayn” sidaas waxaa yiri Cawad Axmed Casharo oo ka mid Barlamaanka somalia.
Lacagta somalida la siinayo waxaa
la soo marinayaa Hay’ada UNDP,
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Dagaalkii Ogaadeenya
Qormadda 9-aad
W.Q. Dr.Sadiq Enow
T
allaabadii uu qaaday ra´iisulwasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha, waxay rajo weyn
ku abuurtay dowladdii Mareekanka.
Waxay arintaasi kaga jawaabtay in
ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne ku xigeenkoodii Hubert Humphrey, kaas oo Xamar yimid bishii
janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka martida ah siiyay tallaabooyinkii
ay dowladda Soomaaliyeed qaaday
ayaa dhalisay in ra´iisul-wasaarihii Soomaaliya uu bishii maarso ee
sanadkaas u kicitimo magaalada
Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii kama uusan soo helin kaalmadii dhaqaale oo uu rajeynayay.
Sababtuna waxay ahayd, dowladdii
madaxweyne Lyndon B. Jhonson oo
ku mashquulsanayd howlaha samafalka ah welfarism oo dalka gudihiisa
laga hirgelinayay iyo qorshayaasha
dagaalka warfarism ee Fiyetnaam.
Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan kamid ah meelaha istraateejiga
ah oo Mareekanka uu ahmiyadda
siinaysay. Waxaa taas wehelisa
caadifadda u janjeerta Itoobiya ayaa
dowladda weyn waxay u diidaysay in
ay Soomaaliya u fidiso kaalmo ay ku
caga-dhigato.
Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii
iyada oo uu soo food saaray xilli uu
dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii
qabiilkuna uu cirka isku shareeray.
Odey Soomaaliyeed oo ka quustay
hanaankii ay siyaasiyiintu wax ku
wadeen ayaa doorashadii ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay.
Odeygaas oo magaciisa la yiraahdo
Cali Aadan Ciye ayaa diiday in uu
dhameystiro gabeygaas. Wuxuuse
ballan qaaday in haddiiba uu gaaro
doorashada danbe, uu markaas
dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa dhacay afgembigii ay ciidanku talada kula wareegeen.
Dowladdii Soomaaliyeed ee rayidka ahayd waxay arimaha qaranka
ku maamulaysay tab siyaasadeed
ee hannaan dimoqraadi ah, isla
markaasna ku sidkan dowladaha
reer galbeedka oo ay xilligaas ka helaysay taakuleyn xagga dhaqaalaha.
Soofyeetiga oo damac xoog leh kaga
jiray in uu reer galbeedka kala wareego degaankan, ayaa ka codsaday
madaxweyne Cabdirashiid Cali in uu
Berbera ka siiyo fariisimo ciidameed. Madaxweynaha Soomaaliyeed
waa uu ka diiday, isaga oo degaanka ka ilaalinayay in uu kamid noqdo
fagaaraha ay xoogagga waaweyni
kula gal-galanayaan hardankoodii
ahaa Dagaalkii Qaboobaa.
TAARIIKHDA
6
soo dhoweeyeen aragtida hantiwadaaga ah oo ay saraakiishu ka
dhigteen manhajkii siyaasadda dalka
lagu hogaamin lahaa. Abwaan Cali
Cilmi Af-yare ayaa tix uu lahaa inoo
ku tilmaamaya soo dhoweyntii ay
saraakiishu heleen markii ay talada
la wareegeen.
Kolkaad Gole Sare inoo dhisteen
goysay taladiiye
Go´aanadi ka soo baxay annana
garab kutaageernay
Galshadii biyo leh geelu waw galab caraabaaye
Hantiwadaagu geestuu jiraa loo
gudoonsadaye.
Fadhi ka mida fadhiyadii ugu horeeyay ee golihii kacaanka ka gadaal
cinqilaabkii ay xukunka kula wareegeen.
Mareekanka ayaa isna dhankiisa
aanan ku qanacsanayn xiriirka ciidan oo xoogoobaya ee ka dhexeeya
Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti.
Arimahaasi waxay dhaliyeen in dowladaha xooga leh, mid waliba ay
dhankeeda kaga dadaasho sidii ay
siyaasadda Soomaaliya uga dhigi lahayd mid si buuxda ula meereysata
hanaanka caalamiga ah oo midba ay
leedahay. (Waxaan ka soo xiganay
gar-yaqaan Cabdi Faarax Baashane,
xeer ilaaliyihii qaranka dowladdii
Cigaal, Qardho, 2/ 12-2000).
Maaratoonkii mashruucaasi waxaa
ku guuleystay dowladdii Soofyeetiga oo abuurkeedii uu u mira dhalay
markii koox saraakiil ah ay afgembi
kula wareegeen taladii Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ragga
gudaha kala shaqeynayay howlaha
loogu gogol-xaarayay afgembigaasi
ay qorsheeyeen in madaxweynaha
lagu dilo socdaal uu ku kormeerayo
gobollo ay ka jirtay abaar ba´an oo
dhaawac u geysatay dadkii iyo duunyadiiba. Madaxweynaha waxaa
loo diyaariyay in saddex meelood
midkood lagu dilo (Laas-caanood,
Burco iyo Dhuusa-mareeb). Waxaa
dhacday in goobtii ugu horeysay
ay qadartii Eebe ugu timid, halkaas
oo dable ka tirsanaa ciidamadii soo
dhoweynayay uu madaxweynihii ku
toogtay goor ay galab tahay markay
taariikhdu ahayd 16/ 10- 1969-kii.
21/ 10- 1969-kii, habeen talaada ah
ayaa waxaa taladii dalka la wareegay
saraakiil isugu jira ciidamadii xooga
dalka iyo biliiska. Muddo saddex
cisho ah ayaanan la ogayn ragga ka
dambeeyay afgembiga. Dabadeed
waxaa idaacadda ka hadlay taliyihii
xooga dalka Sareeye/Gaas Maxamad Siyaad Barre. Jeneraalku wuxuu ka waramay xaaladda uu dalku
ku sugnaa, taas oo uu ku tilmaamay
midda kaliftay in ay talada la
wareegaan. Wuxuu xusay qodobo ay
saraakiishu ku magacaabeen Axdigii
Kacaanka. Waxaa kamid ahaa in ay
baadi-goobayaan dhulalka Soomaaliya ka maqan ee ku haray gacanta
dowladaha shisheeye.
Af-agembigaas oo si wanaagsan loo
soo agaasimay ayaa wuxuu ahaa
mid cad oo aanan wax dhiig ah ku
daadan. Wuxuu ka koobnaa 25
sarkaal oo isugu jira 7 Dhamme, 7
Gaashaanle 7 Gaashaanle/Dhexe
iyo 4 Jeneraal. Saraakiishaas ayaa
waxay u muuqdeen kuwo lagu
ilaaliyay dheeli-tir goboleed iyo
mid beeleed. Naqshad laga akhrisan karo farsamada ka danbeysay
magacaabidda afarta jeneraal baa
waxay tahay mid leh muuqaal ku filan
ogaanshaha jaan-gooyada lagu beegay xulashadii raggaas. Laba kamid
ah afarta jeneraal waxay ahaayeen
biliis (Qoorsheel & Kulmiye), labada
kalena waxay ahaayeen milleteri (Siyaad & Ceynaanshe). Laba kamid ah
darajadooda waxay ahayd Sareeye/
Gaas (Siyaad & Qoorsheel), labada
kalena Sareeye/Guuto (Ceynaanshe
& Kulmiye). Laba kamid ah waxay
ahaayeen reer waqooyi (Qoorsheel
& Ceynaanshe), labada kalena reer
koonfur (Siyaad & Kulmiye). Laba
kamid ah waxay u dhasheen Harti
iyo Mareexaan oo ah beelaha ugu
ballaaran Daaroodka ku nool jamhuuriyadda xorta ah, labada kalena
Hawiye iyo Isaaq oo ah beelaha ugu
ballaaran ee aanan Daarood ahayn.
Dad-weynihii Soomaaliyeed si farxad
leh ayay u soo dhoweeyeen saraakiishii la wareegtay talada. Iyaga oo
han-weyn ku eegaya hoggaanka cusub ayaa waxaa ay ka rajeynayeen
sida ballan-qaadkii axdigu ahaa in ay
ku gaaraan dhamaan yididiilooyinka
ummaddu sugaysay, oo ay kamid yihiin xoreynta dhulalka inaga maqan.
Waxaa kale oo dadweynuhu ay soo
Bilowgii sanadihii 1970-aadkii, maamulkii kacaanka wuxuu xooga saaray
mashaariicda hor u marinta dhaqaalaha iyo barnaamijyada baraarujinta
siyaasadeed ee dad-weynaha. Kacaanku wuxuu rabay in uu bulshada
ka helo saldhig xoog leh oo taageerta
hanaanka ay doonayeen in ay dalka
ku maamulaan, kaas oo ah manhajka siyaasadeed ee ku saleysan keligi-taliska midka dan-yarta u adeegta
(Proletariat Dictatore). Isla markaas
madaxdii kacaanku dib uma eeyan
dhigan howlaha ku saabsan baadigoobka madax-bannaanida dalalka
inaga maqan.
Bartamihii 1970-kii, dowladdu waxay
mideysay jabhadihii saddexda ahaa
(NFD, Ogaadeenya iyo Jabuuti),
waxayna u sameysay maamul mid
ah oo uu hoggaamiye u yahay Maxamad Diiriye Uurdoox. islamarkaasna
waxaa la hoos keenay wasaaradda
gaashaan-dhigga
Soomaaliyeed.
Uurdoox wuxuu qabay aragti ah in
uu howlaha dhaqdhaqaaqa ay ka
madax-bannaanaato maamulka ciidamada, waase lagu diiday.
Waxaa jiray dadyow aanan Soomaali
ahayn oo qadiyadda inala wadaaga,
kuwaas oo dhankooda ka tirsanayay
waxyeelo. Dadkaas oo ay xubno
kamid ah ay joogeen Xamar, ayaa
waxay isugu jireen beelaha Oromada ee ku dhaqan bariga iyo koonfurta
Itoobiya sida Qotida, Caruushada
iyo Booranta. Waxaa kamid ahaa
Shiikh Maxamad Surra oo markii uu
af-gembigu dhacayay dibadda ugu
maqnaa socdaal. Shiikhu wuxuu ku
sugnaa dalka Suuriya oo ahaa dalka keliya oo jabhaddu ay xiriir la lahayd, markii amar lagu siiyay in uu
soo galona waa uu diiday. Xilligaas
waxaa Suuriya ku sugnaa toban nin
oo wax ka baranayay kulliyadaha
ciidamada. Raggaasi oo u dhashay
gobolka Ogaadeenya ayaa shan kamid ah waxay kamid ahaayeen ardaydii Soomaaliyeed ee ka soo qalin
jebisay dugsiyadii sare ee Soomaaliya. Waxaa ardaydaas kamid ahaa
Axmad Shiikh Cabdi-daadi ee hoggaaminayay ciidankii ugu horeeyay
ee ka tallaabay xuduudda,
LA SOCO AXADA DAMBE
AXAD 26 APRIL 2009
ILAYS NEWSPAPER
Maxaad Ka Taqaanaa Shantii Xubnood Ee
Guddigii Siyaasada X.H.K.Soomaaliyeed?
Taariikh nololeedkii S/Guud Ismaaciil Cali Obokor
Xigasho:- Xildhibanpublication.com
S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
ku dhashay magaalada Burco ee
gobolka Togdheer sanadkii 1937dii.
Ismaaciil Cali Obokor sanadkii
1947dii ayuu tacliinta ka galay
magaalada Burco , wuxuuna
waxbarashadii dugsiga hoose ku
dhammeystay magaalada Sheikh
sanadkii 1954tii. Sanadihii 1954tii1956dii waxbarashadii dugsiga ku
dhammeystay magaalooyinka Sheikh
& Camuud.
Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo
ciidamada Soomaaliya, isaga oo
ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada
militeriga. Ismaaciil Cali Obokor
wuxuu ku dadaali jiray sidii looga
soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay
dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen
gumeysteyaashii
qeybiyay
&
xaqiijinta
midnimada
ummadda
Soomaaliyeed.
Ka dib markii uu waxbarashadiisii
dhammeystay
wuxuu
tababar
dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka
Ingiriiska, wuxuuna sanadkii 1958dii
waxbarasho dhinaca ciidamada ah
ku qaatay akademiyada ciidamada
ee “Sand Dhurst”.
Ismaaciil Cali Obokor wuxuu dalka
dib ugu soo noqday sanadkii 1960kii
isaga oo ka mid ahaa saraakiishii
ugu horreysay ee loo soo tababaro
waqooyiga
dalka
Soomaaliya.
1961dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
taliye ku xigeen ka noqday dugsigii
tababarka saraakiisha isaga oo 2
xiddigle ah.
1962dii wuxuu in muddo ah madax ka
ahaa xafiiska isku duwidda ciidanka
xoogga
dalka
Soomaaliyeed,
1963dii-na wuxuu taliye ku xigeen
urur ka ahaa ciidamadii fadhigoodu
ahaa gobolka J/Hoose ee magaalada
Kismaayo.
Sanadkii 1965tii wuxuu tababar ka
galay magaalada Muqdisho, waxaana
tababarkaas ka dib loo magacaabay
taliye urur in uu ka noqdo magaalada
Kismaayo, waxaana loo dallacsiiyay
darajeda 3 xiddigle ama dhamme.
1967dii waxaa loo magacaabay
taliyaha ciidanka dugsiga tababarka
ee Xalane oo waqtigaas la oran
jiray “Bootiko” laguna carbin jiray
leyliska xoogga dalka Soomaaliyeed
isla markaana lagu qaadan jiray
tababarrada & dallacaadaha &
mideynta saraakiisha dibedda ka
timaadda.
Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa
wufuud ka kala socota dalalka
Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
madaxka soo noqday guddiyo ay ka
mid ahaayeen;1.
Guddigii Olaha Shaqaalahaa;
2. Guddigii Ololaha
Hantiwadaagga;
hirgelinta
3.
Guddigii Kacaanka Dhaqanka
ee hirgelinta Afka;
Ismaaciil
Cali
Obokor
waxaa
wafuuddaas ku wehliyay Mondolano
oo madaxka ahaa ururkii Federlimo,
Samoro Micheel & Marsellino Do
Santos oo ay socod dhinaca lugta
ah ku galeen dalka Mozambique 520
KM, doorkii Soomaaliyana aad loogu
ammaanay.
Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ka
mid ahaa saraakiishii ciidamada
ee hoggaaminayay Kacaankii aan
dhiggu ku daadan ee 21kii bishii
Oktoobar ay ciidamada qalabka
sida kula wareegeen talada dalka
Soomaaliya.
Curashadii Kacaanka ka dib wuxuu
muddo 6 bilood ah madax ka ahaa
guddigii la oran jiray Xisaabi-xilmaleh, oo la sheegay in ay baarayeen
tagrifal la sheegay in lacago lagu
lunsaday intii ay jireen xukuumadihii
rayidka ahaa.
Sanadkii 1970kii Ismaaciil Cali
Obokor waxaa loo magacaabay
wasiirkii warfaafinta & hanuuninta
dadweynaha,
wuxuuna
isla
sanadkaas u dallacay darejooyinka
G/Dhexe & G/Sare.
Ismaaciil Cali Obokor muddadii uu
wasiirka ka ahaa wasaaraddaas
waxay noqotay tiirarka ugu waa
weyn ee Kacaankii 21kii Oktoobar.
Wasaaraddan oo loo arkayay in
ay qeyb weyn ka qaadan karto
isbedelka xagga maskaxda ah,
dhaqanka & nolosha bulshada cusub
ee u halgameysa hirgelinta macda’a
Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan.
Ismaaciil Cali Obokor waxa uu
aad ugu dadaalay sidii loo kordhin
lahaa shaqaalaha wasaaraddaas
& dhaqaalahoodaba, waxaa dib u
soo noolaatay kalsoonidii falsafadda
Kacaanka horseedka ka ahaa.
1971dii, ka dib isbadel lagu sameeyay
xubnihii hoggaamiyay Golihii sare ee
Kacaanka waxaa loo magabaacay in
uu noqdo madaxweyne ku xigeenkii
3aad ee Golihii Sare ee Kacaanka.
4.
Guddigii Dacwooyinka
shaqaalaha;
5. Guddigii Ololihii qabyaaladda.
Sanadkii 1974tii wuxuu Ismaaciil
Cali Obokor guddoomiye ka noqday
Golihii Sare
ee Kacaanka u
qaabilsanaa siyaasadda & arrimaha
bulshada.
1976dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
gaaray derajada S/Guuto, wuxuuna
isla markaana noqday guddoomiyihii
guddiga qabanqaabada howlaha
Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka
Soomaaliyeed.
S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor
dhismihii Xisbigii Hantiwadaagga
Kacaanka Soomaaliyeed noqday
kaaliyaha Xoghayaha Guud ee
xisbigaas.
S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu
noqday guddoomiyihii ugu horreeyay
ee Golihii Shabciga Qaranka ee la
dhisay sanadkii 1979kii.
Ismaaciil Cali Obokor xabsiga loo
taxaabay sanadkii 1982dii ka dib
markii lagu soo eedeeyay qiyaano
qaran & in uu wax ka maleegayay
afgambi lagu rido madaxweynhii
Golihii Sare ee Kacaanka,waxaana
xabsi uu ku jiray illaa laga soo gaaro
sanadkii 1988dii.
Xubnaha lala xiray waxaa ka mid
ahaa;1. Cumar Carte Qaalib
2. S/Gaas Cumar Xaaji Masalle
3. G/Sare Cusmaan Max’ed Jeelle
4. Warsame Juguf oo intii uu xirnaa
ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa.
Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku nool
yahay dalka UAE wixii ka dambeeyay
ridistii dowladdii militeriga aheyd.
(Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska
leh Xildhibanpublication.com)
7
Maalinta Duumadda
Aduunka oo la xusay
Maalinta duumada aduunka ayaa
shalay laga xusay magaalo madaxda
Puntland ee Garoowe waxaana
xuskan ka soo qaybgalay M.waynaha
iyo M. kuxigeenka iyo masuuliyiin
ka socday Golayaasha dawlada oo
uu ka mid ahaa Wasiirka Wasiirka
Wasaarada Caafimaadka Dr.Bashiir
Cali Biixi waxaana halkaasi si wayn
looga hadlay dhibaatada duumada
iyo sida loo dawaynkaro.
Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa sheegay in
duumadu sidii hore ay ka yartahay
islamarkaasna loo baaro hab cusub
duumada oo sahlaya in si degdeg
ah loo helo jawaabta in qofku uu
qabo duumo iyo in kale.
Guddoomiye kuxigeenka Golaha
Wakiilada
Xusseen
Yaasiin
wuxuu sheegay in uu 15 sano ka
shaqaynayay ciribtirka duumada
wuxuuna sharaxaad ka baxshay
sida loo daweeyo iyo noocyada ay
ka kooban tahay.
M.waynaha
Puntand
Dr.C/
raxmaan Sheekh Maxamed ayaa
wuxuu sheegay in Wasaaradda
Caafimaadku
ay
iminka
masuuliyiintoodu ay yihiin dhaqaatiir
taa soo fursad u ah in ay waxbadan
ka qabato caafimaadka wuxuuna
mahadnaq ballaaran u jeediyay
hawlwadeenada Wasaaradda.
Hoos u dhac ku yimid
cudurka duumada
UNICEF ayaa kor u qaadaysa
qaybintii
Marokaneecada
La
Daweeyey ee Cimriga Dheer ay
ka
qaybisneysay
Soomaaliya
waxaana la xaqiiqsaday in taasi ay
qayb ka qaadatay hoos u dhaca ku
yimid cudurka duumada, Wakiilka
UNICEF Christian Balslev-Olesen
ayaa sidaa yiri isaga oo ka hadlaya
dabaaldegga Maalinta Duumada
Adduunka.
Iyada oo la qiyaasey in ay duumadu
ku dhacday 608,831 qof oo lagu
soo waramey in 3,491 qof ay u
dhinteen, ayaa weli Soomaaliya
ay duumadu ka tahay dhibaato
weyn oo caafimaadka dadweynaha
haysata taas oo u baahan dadaal
wadajir ah si loogu xakameeyo si
taabogal ah. Culaysku waxa uu ku
badan yahay hareeraha webiyada
iyo degsiimooyinka leh berkadaha
biyaha lagu kaydiyo halkaas oo
sanadka oo dhan cudurka la is
qaadsiiyo, goobahaa ayaa u badan
Bartamaha/Koonfurta Soomaaliya.
Carruurta ka yar shan sano jirka iyo
haweenka uurka leh ayaa si gaar ah
cudurka ugu nugul.iyaga ayaana u
badan xaaladaha iyo dhimashada la
soo sheegey.
Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah
Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga)
Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9 qof oo aad joogto ula
xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto
Call Conversance
Waa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof
HORYAAL
PRINTING
CENTER
OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION)
Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu xirnaa ama dabku ka
dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid fadlan qaraac 144
Balance sharing ( lacag waaag)
Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta adiga u qoondeenaya
hadba inta aad doonto
additional benefit
Hadii Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah.
Hadii Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ah
Hadii Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah
Hadii aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah
QAABKA LACAG KU SHUBASHADA
Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed raac tilmaamahan. Ama
ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok)
OGAASHAHA HARAAGAAGA
Hadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221 dabadeed dhagayso
tilmaamaha
QAABKA XAWILASHADA call Forwarding
Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#), sidoo kale waxaad
xawilaada kaga bixi kartaa (#21#)
Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAIL
Waxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad
setting Number 2522660111
Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose:
Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom
dep
@hotmail.com
JOWLE ENTERPRISES
Office Stationery
[email protected]
Electronics and Satellite Digiitals
Office furnitures
Renting Cars % For Selling
ADEEGYADA
DAABACADEED EE
HORYAAL DIYAARKA
KUULA TAHAY
Buugta Akhriska
 Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada
 Receipt Vouchers
 Payment
Vouchers
 Invoices
 Cash Sales
 Daily Sheets
 Business Cards
 Envelops
Stickers
 Prescription
 Register Books
 Text Books
 I.D Cards
 Certifications
 Flyers
 Invitations Cards
KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA
DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U
RABTO
& QIIME KURAALI GALIYA
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724
Tell :- 824299/796169/726169
BOSASO SOMALIA

Similar documents

Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af

Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:[email protected] Ilays designer Omar Said moh’ed

More information

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009 ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

More information