Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af

Transcription

Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af
ILAYS
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
Ilaysnews Editor
Omar Siciid Moh’ed
E:[email protected]
Ilays designer
Omar Said moh’ed
Axad, 24 May, 2009, Caddadkii 33aad , Tell:-712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh
OUR SERVICE
OUR SERVICE
GSM
INTERNET
SMS MASSAGE
E-ADEEG
Faallo
Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga
Tegey Af-Hayeenimadii Al-Shabaab?
Hay’ada HORNPEACE Oo
Markii U Horraysay gacan ka
gaysanaysa in Bulshada
rayidka ah laga qayb Geliyo
Talada ammaanka
EEG BOGGA 2AAD
M
a ahayn arrin lama filaan
ah kolkii Duhurnimadii
Khamiista 21 May, 2009
uu Sheikh Mukhtaar Rooboow
Abu Mansuur qalinka ku duugay
inuu aqblay in xilkii Afhayeenimadda dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab uu ku wareejiyey
Cali……, durba waxaa soo baxay
su’aalo la is weyndiin karo oo ku
saabsan sababta uu xilkaas uga
tegey Abuu Mansuur.
Mukhtaar Roobow Cali, waxaa
uu ahaa mid ka mid ah ragga
ugu caansan dhaqdhaqaaqa Alshabaab, waxaa uu ahaa geesi ,
af tahan iyo weliba hoggaamiye
si dhab ah u dabakha mabda’a uu
aaminsan yahay, waxaa la oran
karay waa hoggaamiyihii ugu hal
adkaa ee taariikhda ka soo baxa
dadka ku abtirsadda goboladda
Bay iyo Bakool, ma ahan nin qa-
EEG BOGGA 3AAD
Shiekh Xasan Daahir oo
($25,000) ku bixiyay safarkii
uu Mogadishu ku tagay
EEG BOGGA 7AAD
KHASAARIHII DAGAALKII
MUQDISHO EE JIMCIHII
EEG BOGGA 2AAD
Xukuumada P/Land Oo
Hay’ad Daryeesha u
Dhistay Dulmanayaasha
EEG BOGGA 2AAD
Kenya oo Baasaboorkeedii
kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif
Xasan Sheikh Aaden
EEG BOGGA 2AAD
FEDERAALKU WAA QAAB
XUKUN ISLAMI AH!!
QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA : P:- 5 BARNAAMIJKA DOWLADA P/L:- P 4
EEG BOGGA 5AADD
2
Xukuumada P/Land Oo
Hay’ad Daryeesha u
Dhistay Dulmanayaasha
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
WARBIXIN /SOMALITALK
KHASAARIHII DAGAALKII
MUQDISHO EE JIMCIHII
Garowe, 22 May, 2009 Puntlandgov
AXAD 24 MAY 2009 Kenya oo Baasaboorkeedii
kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif
Xasan Sheikh Aaden
M
adaxweynaha DGPL Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa todobaadkan Xariga
ka jaray xafiis ay yeelan doonto
Hay’ada Bulshada Rayidka ah ee
DGPL.xafladan oo ka dhacday Xarunta Hay’ada PDRC ee Garowe,
waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPL Md. C/raxmaan
Sh.Maxamed Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada DGPL
Md C/rashiid Sh. Maxamed Xirsi,
Gollaha Wasiirada, Xubno Ka tirsan
Gollaha Wakiilada, Aqoonyahano,
Hay’adaha Caalamiga ah, Ngo’yada
Maxaliga iyo Marti sharaf kale.
Madaxweyne
C/raxmaan
Faroole oo Hadal kooban ka jeediyay
Xafladaas waxaa uu yiri” Waxaan
aad ugu faraxsan yahay dhismaha
Hay’adan u adeegaysa Bulshada
dhibaataysan,wax weyna ka tari
doonto baahiyahooda, waxaanuna
dhowaana ay miisaaniyada ku darnay lacag gaaraysa 900,000,000/
Sh/S.,waxaana u magacawnay
Agaasime Cabdishakuur Maxamuud
Cilmi ahna nin firfircoon kana soo
bixi kara hawshan,waxaana dusha
ka maamuli doono guddi,oo ay ka
mid noqon doonaa Culimada,gana
csatada,Aqoonyahanada iyo dadka
ku hawlan”
Madaxweyne Faroole oo Hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri
“Waxaan rabnaa ka dawlad ahaan
in aan dadka reer Puntland gaarsiino horumar,waxayna ku jirtay Barnaamijka Dawladda ay ansixiyeen
golaha wakiilada in dadka dhinac
walba laga horumariyo”
Masuuliyiintii kale ee ka hadashay
Xaflada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee puntland
C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Wasiirku waxaa uu ka codsaday in la
caawiyo dadka laxaadka waxba ka
qaba iyo dadka dhimirka ka dhiman
Hay’adan oo Xeer madaxweyne
lagu dhisay ayaa toddoobadkii hore
la horgeeyay Gollaha wakiilada
ee puntland islamarkaana waxaa
uu golluhu ansixiyay, waxaana ay
Hay’adani shaqadeedu noqondoonta ka warhaynta, Xannaanaynta, iyo
Qareemida dadka Dimirka ka jiran
( Maskaxda ka Xannuunsan) Naafada, Indhoolayaasha, Agoonta iyo
dadka tabarta darram ee aan waxba
haysan ee reer puntland.
.Abuurida Hay’ad noocan kale waxay
muujinaysaa sida maamulka cusub
ee C/raxmaan Faroole uu xil gaar ah
isaga saarayo dadka la ilaaway ee
bulshadeena ka mid ah, sida dadka
waaweyn ee aan naftooda caawin
karin, Haweenka Carmalka iyo Caruurta ogoonta.
Maydka Askarta Dowlada Somaliyeed oo Yaala Wadooyinka Muqdisho
D
ad Somaliyeed oo 40 qof oo u
badan koodu yihiin dad shacab ah ayaa ku geriyooday dagaal
qaraar oo Jimcadii labadii galinba
ka soconayey gudaha magaalada
Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dagaalkaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada KMG somaliya iyo
xooggaga Islaamiga ah ee dagaalka
hubeysan kala soo horjeeda.
Dhanka Xoogaga ka soo horjeeda oo
horray us heegay in aanay Dowladda
FKMG wax wada hadal ah la geleyn
isla markaana aysanba aqoosaneyn
wax dowlad ah ayaa Afhayeenka
Xisbul Islaam Muuse Cabdi Caraale
waxaa uu sheegay in ay dib isaga
waabiyeen ciidamada Dowladda
FKMG oo uu sheegay in ay soo weerareen.
Dadka rayidka ah ee dagaalka uu galaaftay waxaa ku jira 12 qof oo Bas
ay saarnaayeen Madfac ku habsaday
agagaarka Baar ubax ee Magaalada
Muqdisho iyo wariye C/risaaq Warsame Maxamed (Gaadaco) oo ka tirsan Idacaadda Shabeele oo xabadwiifto ah madax kaga dhacaday isaga
oo marayay dagmada wardhiigley
gobolka banadir.
Sidoo kale afhayeenka cusub ee
xarakada alshabaab Sh Cali Maxamuud Raage ayaa isna ka hadlay
dagaalkii Jimcadii muqdisho ka dhacay wuxuuna sheegay in ay ciidamada DFKMG soo weerareen suuqa
bakaaraha ayna dooanyeen in ay
dhacaan hantida shacabka iyaguna
ay ka celiyeen waa sida hadalka uu
u dhigaye .
Dhinacyada dagaalayamay waxa
kala gaaray qasaare balaaran waxaana wadooyinka qaarkood yaal
meydadka qaar ka mid ah ciidamada
dowlada oo ku labisan dareskii ciidanka laba ka mid ah wuxuu mayadkood lagu arkayey deegaanka geed
jacayl oo ka mid aheyd goobihii ay
Dagaalkii Jimcadii ayaa xoogiisu cidanka dowladu Jimcadii waabarigii
ka dhacay deegaano ay ka mid yi- soo buuxiyeen ee iska horimaadku ka
hiin Saldhiga Degmada Hodon, Howl dhacay.
wadaag, Geedjaceyl, Xararyaale
,Suuq bacaad, iyo Yaaqshiid waxaa Sidoo kale suuqa Ariga waxaa yaal
weerar xoogan soo qaaday aroortii laba meyd oo ka tirsanaa ciidanka
hore ee Jimacadii Ciidamada Dow- dowlada FKMG waxaana jira qaar la
ladda FKMG Soomaaliya oo maalma- aqoonsaday oo ay reerahoodii qaahaan diyaar garow ugu jiray sidii ay teen halka kuwa aan dareska ciidandib ula soo noqon lahaayeen goobhii ka wadan isla markiiba la aasturayey.
lagala wareegay .
Asbuuc ka hor dagaalka muqdisho ka
Dhawaqa hubka noocyadiisa kala du- dhacay ayaa geystay geerida 15 ruux
wan ayaa Jimcadii oo dhan Magaala- halka dhawacuna uu garayey boqodu marti u aheyd waxaana la arkayay laal oo intooda badan ahaa dad rayid
dad caruur iyo haween u badan oo ah dagaalkaas ayaa u dhaxeeyey isla
kala cararaya si ay dagaalka uga dhinacyada hadda dirirtu ka dhaxaybaxsadaan kuwaas oo guryahoodii so.
isaga barakacay .
Goobaha ay dagaaladu ka dhaWasiirka Gashaan Dhigga ee Dow- cayeen ayaa ahaa kuwo lagu dagaalladda FKMG Maxamed Cabdi Gaandi amo muddo ka badan 19 sano waxoo shir Jaraa’id Jimcadii Muqdisho ku aana dagaal kasta halkaa difaac ka
qabtay ayaa saxaafada u sheegay galayey ciidamo taabacsan qolo hebin ay Dowladdu weerarka qaaday si laayo kii ku dhinta ama ku dhaawacloo badbaadiya buu yiri shacabka mana cidiisa oo kaliye ayaa tabeysay
Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku intaas oo dagaal ma jirto cid ku faani
karto halkaa anaa xoreeyey oo waqtidaray in dowladu fursad kale aysan
gaas dagaal ka galay.
heysan xiligaan .
Isbitaalada Madiina, Dayniile, iyo
Keysalay ayaa la geeyay dhaawacyo
boqol ruux gaaraya.waxaana wax
yeelo ka soo garatay dagaalka xafadahooda ku dhemaray DFKMG iyo
kooxaha Islaamiga ah.
Xigasho:- Somalitalk
L
aanta socdaalka dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay Baasaboorkii Kenyaatiga ahaa kala laabatay Raysalwasaare ku xigeenka
ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan Sheikh
Aaden.
“Baasaboorka Kenya oo la siiyey Mr
Hassan Sheikh Aden Issak ayaa lagala laabtay,” sidaas waxaa yiri Otieno Kajwang oo ah wasiirka Kenya
u qaabilsan arrimaha socdaalka,
sida ay werisay jariidadda Daily Nation caddadkii May 20, 2009. Waxaana warku intaas ku daray in markii
Baasaboorka la siiyey uu noqday
muwaadin Kenyaan ah.
Laakiin, Sheikh Aaden waxa laga dhigay dublomaasi markii la sameeyey
Dawladda Soomaaliya, “Waxaa
ogaanay in haysto baasaboor Kenyaati ah markii uu kusoo laabtay
Kenya oo magaciisa computer-ka la
geliyay, markaas ayaa lagala noqday
baasaboorka. Xitaa kama uusan laaban dhalashadii Kenyaatiga,” ayuu
yiri Kajwang.
Waxana uu intaas ku daray maadaama Kenya aysan ogolayn labada
dhalasho, sidaas daraadeed ayaa
looga qaaday Baasaboorka Kenya.
March 18, 2009 ayey ahayd markii
Wasiirka
Maaliyadda
DFKMG,
Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay
kala saxiixdeen heshiis Is-Afgarad
ee Memorandum of Understanding
(MoU) oo ku saabsan in Kenya ay
cashuurta u qaado DFKMG, gaar
ahaan waxyaabaha Kenya laga
dhoofiyo ee u socda Soomaaliya.
KU SOO HAGAAJIYA
FIKARADIHIINA
[email protected]
AXAD 24 MAY 2009 Faallo
Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga
Tegey Af-Hayeenimadii Al-Shabaab?
M
a ahayn arrin lama filaan ah
kolkii Duhurnimadii Khamiista 21 May, 2009 uu Sheikh
Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur
qalinka ku duugay inuu aqblay in
xilkii Afhayeenimadda dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab uu ku
wareejiyey Cali……, durba waxaa
soo baxay su’aalo la is weyndiin karo
oo ku saabsan sababta uu xilkaas
uga tegey Abuu Mansuur.
Mukhtaar Roobow Cali, waxaa
uu ahaa mid ka mid ah ragga ugu
caansan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab,
waxaa uu ahaa geesi , af tahan iyo
weliba hoggaamiye si dhab ah u
dabakha mabda’a uu aaminsan yahay, waxaa la oran karay waa hoggaamiyihii ugu hal adkaa ee taariikhda ka soo baxa dadka ku abtirsadda
goboladda Bay iyo Bakool, ma ahan
nin qarsadda waxaa uu qabo.
Xilligii Maxkamaddaha waxaa uu
si bareer ah u sheegi jiray in waxa
ka jira Shabeeladda Hoose aanay
ahayn Cadaalad , isaga iyo Yuusuf
Indhacad oo waqtigaas ahaa Madaxa
Amniga Maxkamaddaha uuna ku
xigeen u ahaa ayaa isku seegay
waxyaabo badan oo uu arkayey inay
khalad u socdaan, Soomaalida ayaa
ah qabiil qabiil xataa haddii ay yihiin
ururo diin aaminsan, mar walbana
waxaa jira dareen qabiil oo ka xoog
badan hawsha markaas socota.
Kolkii ciiidamada Ethoipia dhabarka
ka jebiyeen xoogaggii Maxkamaddaha Islaamiga ahaa, ayaa waxaa
bilowday dagaalkii dhabta ahaa ee
Islaamiyiinta Soomaaliya kaga hortagayeen Ethiopian-ka, Mukhtaar
Roobow waxaa uu bilaabay inuu
noqdo hoggaamiye caan ah oo hoggaamiya dagaalka ka dhanka ahaa
Ethiopian-ka, waxaa uu ku guulaystay in beelaha dega Bay iyo Bakool uu ka dumo ciidamo xoog leh
oo dagaalkaas gal, xoogaggaas uu
siku duba riday ayaa ka dagaal galay Muqdisho iyo dhamaan goobihii
lagula dagaalamay Ethiopiaan-ka,
goboladda Bay iyo Bakool ayaa ahaa
meel ay baqdin ku joogaan Ethiopianka iyo eliba dawladdii uu madaxda
ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf.
Abuu Mansuur ayaa loo magacaabay af hayeenka Al-Shabaab,
halka Adam Xaashi Cayroow uu
ahaa mufakarka Al-Shabaab, 01
May, 2008 ayaa gantaal Maraykanku
soo ganay waxaa uu ku dilay Cayroow magaaladda Dhuusa Mareeb,
mid ka mid ahaa lugihii Al-Shabaab
ku taagnayd ayaa go’dayd. Laakiin
Abuu Mansuur waa sii kordhiyey
3
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
hawlaha uu kaga soo horjeeday
Ethiopiaanka, kolkay ciidamadda
Ethiopianku ka baxayeen Baydhabo
Sarkaalkii ugu sareyey waxaa uu u
sheegay dadka Baydhabo in Kursiga
Madaxtooyada ee uu Cabdulaahi
Yuusuf ku fadhiisan jiray uu ku fariisan doono Abuu Marsuur , markay
ka baxaan Baydhabo wax yar ka dib.
Abuu Mansuur ayaa ka suuliyey
Bay iyo Bakool dhamaan kooxihii
ka soo horjeeday isaga, waxaa uu u
muuqday ninka ugu awooda badan
siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba
Bay iyo Bakool, laakiin waxaa jiray
khilaaf xoogan oo la sheego inuu
ku kala dhex jiro hoggaanka AlShabaab, Sheikh Mukhtaar Abuu
Subayr oo ah Amiirka Al-Shabaab,
magaciisa dhabta ahina yahay Axmed Godane ayaa mar hore waxaa
ku canantay Abuu Mansuur hor
istaag uu hor istaagay magacaabis
Al-Shabaab u magacawday Bay
amiir aan u dhalan goboladaas, hase
ahaate uu Abuu Mansuur ku gacan
sayray , isla markaana gobolka Bay
uu u xulay nin u dhashay gobolkaas,
Abu Mansuur waxaa uu ku andacooday in ninkaas la imtixaamay oo uu
ku dhacay imtixaankii sidaa darteed
aanu bedelay.
Khilaafka Abuu Mansuur iyo hoggaanka Al-Shabaab waxaa uu ahaa
mid xoogaysanayey tan iyo intuu
qabtay oo sii daayey Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa qabqablayaashii Bay iyo Bakool,dhowaan ayaa
dhacdadaas waxaa saxaafadda war
uu siiyey ku dhaliilay Sheikh Fu’ad
Shongale oo ka mid ah hoggaanka
Al-Shabaab, sidaas darteed ayaa
xilka qaadis lagu sameeyey uu sababy inuu Abuu Mansuur iska wareejiyo Afhayeenimadda Al-Shabaab,
uuna aqbalo inuu noqdo mujaadid
caadi ah oo ka mid ah dagaalyahanadda Al-Shabaab, ujeedada sida
loo yeelay ayaa xubin ka mid ah AlShabaab uu ku macneeyey in ay
tahay mid caadi ah, qofkana meeshii
loo bedelo uu yahay mid qabanaya.
Ugu dambayntii
Abuu Mansuur
waxaa uu ahaan doona nin daacad
u ah Al-Shabaab, kama maaranto Al-Shabaab hoggamiyahan oo
taageero xoog leh ku dhex leh dagaalyahanadda Al-Shabaab, shaqa
ka qaadista Abuu Mansuur waxay
sababtay in dagaal kedis ah ay dawladda uu hogaamiyaa Shikh Shariif
ku qaadan fariisimadii Al-Shabaab
ee dagaalka Muqdisho. Sidaas darted Abuu Mansuur iskiis ugama tegin
Afhayeenimadii Al-Shabaab ee waxaa bedelay hoggaanka Al-Shabaab.
Hay’adda HORNPEACE oo markii ugu
horraysay gacan ka gaysanaysa in Bulshada
rayidka ah laga qayb Geliyo Talada ammaanka
S
iminaar lagu baranayay ka wadashaqaynta ammaanka iyo
nabadgelyada isla markaana ay ka
wada qayb galeen Booliska, gudiyada xaafadaha magaalada Boosaaso, nabad doonnada, dhalinyarada
iyo haweenka, ayaa wali wali waxa
uu u socdaa 16ka xaafadood ee
magaalada Boosaaso.
Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay isla markaana qabatay hay’adda
wadaniga ah ee HORNPEACE ayaa
daba socdaa aqoon iswaydaarsi noocan oo kale ahaa oo sanadkii tagay
ee 2008da loo qabtay lix xaafadood
oo ka tirsan xaafadaha magaalada
Boosaaso.
Aqoon iswaydaarsigan imika ka socda magaalada Boosaaso oo socon
doona tan iyo dabayaaqada bishan
May ayaa waxa sidoo kale lagu meel
marinayaa in markii ugu horraysay
bulshada rayidka ah laga qayb galiyo talooyinka ku aaddan go’aannada
tallaabooyinka dhinaca ammaanka
aaddan.
Furitaankii kulankan ayaa waxaa
ammaan iyo bogaadinba u jeediyay
qabanqaabiyeyaasha iyo ka qayb
galayaashaba madaxda gobolka
Bari, sida guddoomiyaha gobolka
Bari Musa Geelle Yuusuf, iyo duqa
magaalada Boosaaso C/rsaaq Xareed Ismaaciil iyo masuuliyiin kale,
kuwaas oo sidoo kale ka hadlay
muhimadda ay leedahay dhawridda
xuquuqda dadka dalka dhexdiisa ku
baro kacay sida dadyowga ka soo
hayaamay colaadaha ka aloosan
koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas
oo iyana ka qayb galayaasha siminaarkan xubno ku lahaa.
H
Marka ay soo gabagaboobaan Seminaarada ama tabaradan Hay’adda
HORNPEACE ee waddaniga ah
waxay furidoontaa xafiisyo
Qalabaysan oo ay kuwada shaqeeyaan booliska iyo bulshadu, sida ay
wargeysa ILAYS u sheegeen guddoomiyaha HORNPEACE Bashiir
Cabdi Xariir iyo madaxa mashaariicda ee hay’addaas Maxamed Cali
Maxamed.
Taageerada dhaqaale ee siminaaradan waxaa iska kaashaday
hay’adaha DRC, UNHCR, iyo SIDA,
waxaana fulinaya hay’adda HORNPEACE.
Hay’adda waddaniga ah ee Hornpeace waxa ay ka shaqaysaa degaanno ballaadhan oo ka tirsan
Soomaaliya sida dhulalka maamulada Somaliland iyo Puntland, waxana
ay qabataa hawlaha dhinaca nabadda iyo xuquuqda dadka dhibbanayaasha ah.
Sheikh Aweys: Eratariya
Waa Na Taageertaa.
oggaamiye diineedka Sheikh
Xasan Dahir Aweys ayaa isagu
si bareer ah waxaa uu u cadeeyey in
Dawladda Erateriya ay taageero ka
helaan, waxaa kaloo uu carabaabay
inay dagaalyahanadda mucaradka
ku ah dawladda Shariifka ay ka barbardagaalamayaan islaamiyiin ajaanib ah, hadlkan ayuu Sheikh Aweys
u sheegay wakaaladda wararka ee
Ruaters.
Sheikh Xasan Dahir ayaa horay
waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanadda Islaamiyiinta inay dagaal la
galaan dawladda uu hogaamiyo
Sheikh Shariif, mar uu ka hadlayey
dagaalkii Jimcihii 22 May,2009, waxaa uu sheegay in iyaga la soo,
weeraray waxaana uu qeexay in
dagaalkaas uu iclaamiyey Ra’iisul
Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaa uu Sheikh Xasan Dahir tibaaxay
in kooxaha mucaaradka ku ah dawladda Shariifka ay ka guulaysan doonaan.
Sheikh Xasan Dahir waxaa uu xilliyadan u muuqada maskaxda hoggaaminaysa olalaha ka dhanka ah
dawladda lagu soo yagleelay Jabuuti, waxaana cad inuu wacad ku maray
inuu awoodda ka tuuro dawladaas ,
hade ahaate su’aasha la is weydiin
karo ayaa ah, haddii awoodda laga
tuuro kooxada Jabuuti , Muqdisho
ma ku heshiin doonaa Al-Shabaab
iyo Xisbul Islaam oo dagaalka kula
wada jira Dawladda Shariif balse
aan isku ujeedo ahayn?
4
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
AXAD 24 MAY 2009 QAYBTII 3AAD
100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay Xafiiska
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
D
awladda
kaalinta
koowaad
in uu ugu jiro dib u habaynta
nidaamka caddaalada waxaa asaas
u ah hagaajinta kartida waxqabad
ee ciidanka ilaalada xabsiyada
Puntland.
Ciidankaas
xubnaha
hadda ka tirsan waxaa la siiyay
tababar dheeraad ah, waxaana
waxyar loo kordhiyay mushaharka.
Maamulka Cusub waxa kale oo uu
bilaabay dibu habaynta Xabsiga
Dhexe ee Boosaaso si loo kordhiyo
inta uu qaado, islamarkaasna loo
hagaajiyo ammaankiisa.
Waxaa intaas dheer, in Maamulka
Cusub uu magaalooyinka waaweyn
ee
Puntland
u
magacaabay
garyaqaano iyo qareeno cusub kaddib
markii laga qaaday imtixaan loo galay
tartan adag, taas oo ujeedadu ahayd
in la yareeyo culayska saarnaa
nidaamka caddaaladda. Dawladdu
waxay kordhisay mushaharka qaybta
caddaaladda
ee
miisaaniyadda
caadiga ah ee 2009, taas oo loo
gudbinayo Baarlamaanka Puntland
dabayaaqada April.
Waxaa maxaabiista oo dhan tusaale
u ah, in bishii Febraayo 2009 uu
Madaxweynuhu cafis u fidiyay 66
maxbuus oo ku jiray Xabsiga Dhexe
ee Boosaaso. Labo maxaabiis hore
ahaa ayaa si gaar ah loo xushay oo
ay Dawladdu shaqaalaysiisay si uu
uga shaqeeyaan gudaha nidaamka
xabsiga, islamarkaasna maxaabiista
u baraan dhaqan-iyo-dabeecad
wanaagga iyo sidii loogu samayn
lahaa dhaqan celin bulsho, waxaana
barnaamij-kaas ka soo ifbaxaya
natiijo wanaagsan.
Yoolka mudada dheer waxaa ka mid
ah in la dhamaystiro xabsiga weyn
ee Qardho, caasimada Karkaar.
Xabsigaasi waxa uu leeyahay qaad
weyn, marka la dhamaystirana
waxan uu noqon doonaa xabsiga
ugu weyn Puntland. Ujeedadu
waa in la dhimo culaska xabsiyada
Puntland, iyo in la asaaso nimaad
caddaalad oo suurta galinaya in si
dhaqso ah dacwad maxkamad loo
hor geeyomaxaabiista.
XIRIIRKA CAALAMIGA AH
Dawladda Puntland waxay u heelan
tahay midnimada Soomaaliya oo
hal qaran ah, oo leh hal calan
oo Muqdisho u tahay caasimad.
Maamulka Cusub waxa uu sidaas
oo kale ugu heelan yahay xaqiijinta
danaha dadka Puntland in lagu gaari
karo dhismaha Dawlad Federaal ah
ee Soomaaliya oo shaqaynaysa oo
la maarayn karo.
Taas oo jirta, Dawladdu waxay
ogtahay
in
koonfurta-gobolada
dhexe ee Soomaaliya ay yihiin meel
siyaasad ahaan aan daganayn,
sidaas
daraadeed
Dawladdu
waxay
ansixisay
siyaasadii
hore loo askumay si loo ilaaliyo
danaha Puntland ilaa mustaqbalka
Soomaaliya laga dhisayo Dawlad
Federaal ah oo ku salaysan nidaam
loo dhan yahay iyo nidaam dib-uheshiisiin taas oo ku hawlgasha
Dastuur Federaal ah oo marka
la samaynayo ay si buuxda uga
qayb qaataan dawladda federaalka
iyo maamul goboleedyada (sida
Puntland) si looga feejignaado in ay
meesha soo galaan dano cid u gaar
ah, oo la xaqiijiyo xuquuqda dawlad
goboleedyadu ku leeyihiin nidaamka
federaalka.
Bishii Febraayo 2009, Maamulka
Cusub waxa uu casumaad u
fidiyay
hay’adaha
Qarammada
Midoobay, Hay’adaha aan dawliga
ahayn ee caalamiga ah (NGO) iyo
qaybaha kale ee danaynaya in ay
yimaadaan caasimada Puntland
ee Garoowe si ay uga qayb galaan
shirweyne
ujeedadiisu
ahay
“Dardar galinta xiriirka Beesha
Caalamka.” Dawladdu waxay soo
bandhigtay qorshaheeda ku aadan
xiriirka hay’adaha deeq bixiyaasha
caalamiga ah ee ku saabsan
adeegga gargaarka bini’aadamino
ee hore loo joojiyay arrimo dhawr ah
oo jiray sanadihii hore awgeed, oo
ay ka mid ahayd amni darro iyo isfaham la’aan u dhaxaysay dawladda
iyo deeq bixiyaasha.
Sida ku cadayd warqad ku
taariikhaysnayd
4-tii
Maarso
2009, Xafiiska Xiriirka Gargaarka
Bini’aadamino ee Soomaaliya waxaa
uu sheegay in: “Madaxweynaha
Puntland iyo Golahiisa Wasiiradu
ay soo bandhigeen aragti dheer oo
ku saabsan horumarinta Puntland
oo ay ka mid tahay u heelanaanta
Dib-u-hayanta Qaybaha Amniga,
samaynta bay’ad ammaan ah…
waxa kale oo ka mid ah agaasimidda
Miisaaniyad dheeli-tiran oo ay qayb
ka tahay sida ay uga go’an tahay in
dawladdu kordhiso kharashka ku
baxaya qaybaha caafimaadka iyo
waxbarashada, hagaajinta heerka
dhaqaalaha oo si waadax ah loola
soconayo, iyo sida ay uga go’an
tahay bixinta mushaharka qaybaha
adeegyada bulshada.”
Maamulka Cusub waxa uu sii wadi
doonaa xoojinta xiriirka ganacsi
iyo amni ee uu la leeyahay dalalka
deriska ah, sida Ethiopia, Djibouti,
Kenya iyo Yemen. Bishii Maarso,
wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne
Faroole ayaa booqday Ethiopia iyo
Djibouti, waftigaas oo uu ka mid ahaa
Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka
Caalamiga iyo Wasiiru Dowlaha
Dimoqraadiyaynta
iyo
xiriirka
Federaalka.
Waftigii
Dawladda
Puntland waxaa lagu soo dhaweeyay
Addis Ababa iyo magaalada Jabuuti,
waxaana Madaxweyne Faroole
uu kulan rasmi ah la yeeshay
Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi
iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle, hoggaamiyaasha Ethiopia
iyo Jabuuti sida ay u kala horeeyaan.
Maamulka Puntland waxa ay isla
fahamsan yihiin dawladaha Ethiopa
iyo Jabuuti arrimo ay ka mid yihiin
danaha labada dhinac ka dhaxeeya
sida ganacsiga iyo amniga. Waftigu
waxay kulamo heerwasiir ah la
yeesheen wasiiro kala duwan, sidoo
kale waxay kulamo la yeesheen
safaarado kuyaal Addib Ababa iyo
magaalada Jabuuti. Booqashada
Madaxweynuhu ku tagay dalalkaas
waxay ahayd kulan hordhac ah ee
dalalka gobolka iyo ergo dalalka
dibadda ka ah Afrika.
Intii ay socdeen kulamadaasi,
waftigu waxa ay ku celceliyeen sida
ay Dawladda Puntland meesha
adag uga taagan tahay nidaamka
dawladda federaalka ee la jaanqaada
beesha caalamka qorshahooda
dib u heshiisiin ee Soomaaliya.
Waftiga Madaxweynuhu waxa uu
magaalada Jabuuti kula kulmay
Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada
Midoobay, Mudane Axmed OuldCabdallah,waxayna Dawladdu si aad
u qoto dheer ugu sharaxday halka
ay ka taagan tahay nidaamka dib u
heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.
Bartamahii bishii April, Madaxweyne
Cabdiraxmaan Faroole waxa uu
booqday Nairobi, Kenya, halkaas oo
uu kulamo kula yeeshay safiirrada
dalalka Galbeedka, oo uu ka mid
yahay Safiirka Maraykanka u fadhiya
Kenya Mr.Michael Renneberger.
Dawladda Puntland waxay beesha
caalamka u bandhigtay qorshe
lagula
dagaalamayo
burcadbadeedda,kaas oo ku baaqay
wada shaqayn iyo xiriir arrintaas ku
saabsan oo dhex mara maraakiibta
shisheeye ee dagaalka ee ku
sugan xeebaha Soomaaliya iyo
maamulka maxalliga; oo ah
Dawladda
Puntland.
Waftiga
Puntland waxay la kulmeen xubno
ka socday Qarammada Midoobay,
Midowga Afrika, Midowga Yurub,
Safiiro dalal badan oo ay ka
mid yihiin Italy, France, Canada,
Germany, Sweden iyo saraakiil ka
socotay Kenya, sida Ku-xigeenka
Afhayeenka Baarlamaanka iyo
Wasiirka
Difaaca.
Qorshaha
Madaxweynaha ee la dagaalanka
Burcad badeeedda aad ayay u soo
dhaweeyeen xubnahii ka socday
beesha
caalamka,
waxaana
Madaxweynuhu
dhammaan
qaybaha kala duwan ee beesha
caalamka ku casumay in ay soo
booqdaan Puntland.
Dawladdu waxay sii wadi doontaa
dadaalka ay ugu jirto agaasimidda
xiriir wanaagsan oo ay la yeelato
dalalka deriska ah, dawladaha
adduunka iyo ururada caalamiga
ah, sida Qarammada Midoobay.
Siyaasadda Dawladda ee ku
wajahan xiriirka caalamiga ah waa
raadinta taageero si loo wanaajiyo
laamaha
dawladda,
adeegga
bulshada, dib u dhiska kaabayaasha
dhaqaalaha, si beesha caalamka ee
adduunka loogu muujiyo in dadka
Soomaaliyeed ay karti u leeyihiin in
ay dib u asaasaan dawlad goboleed
xejinaysa xornimda iyo jiritaanka
Soomaaliya oo ku hoos jirta qaabka
federaalka.
KHAYRAADKA DABIICIGA AH
Soomaaliya waa dal hodan ku ah
khayraad dabiici ah oo farabadan
ee dhulka iyo badda ku dhereran
xeebta. Puntland waxay dhacdaa
goob istaraatiiji ah oo ah cirifka
Geeska Afrika, halkaas oo ah marinbadeed albaab u ah Yurub iyo Aasiya.
Taariikh ahaan, gobolkan waxaa loo
yaqaan “Dhulkii Punt” halkaas oo
hoggaamiyaashii Masaaridii Hore
booqdeen, oo ganacsi gaar ah ugu
yimaadeen sida fooxa.
Sanadahii 1980-naadkii, shirkado
waaweyn ee shidaalka sahamiya ee
reer galbeedka ayaa qandaraasyo la
saxiixday madaxweynihii Soomaalia
ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre
LA SOCO CADADKA XIGA
AXAD 24 MAY 2009
5
ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA
FEDERAALKU WAA QAAB
Akhiraan Ku Haystaa
XUKUN ISLAMI AH!!
W/Q: C/qaadir M.Wacays
Q. 4AAD
Qiso Jacayl
Wuxuu indhaha ku dhuftay gabadh
dhinaca axmed ka xigtay maahee
dhinaca kale fadhiday.. waxay ahayd
muxibbo.. dhulka iyo cirka ayaa xidigo
yar yar la noqday.. wuxuu rumeysan
kari waayey aragtida dhaayihiisa..
wuxuu ku qararmay badweyn xambaarsan mowjado farxad ah..
Intuu is celin kari waayay buu ku yiri:
weey muxibbo waa la inkirayaa miyaa?..
Muxibbo waxay la noqotay in cirka
looga soo degtay , waayo si kadis
ah buu hadalka uga boobay.. alla
nasiib badanaa.. sowtan gabadhii uu
muddada baadi doonka ugu jiray ka
saxeen waayey, caawa garab fadhida. Intay xaggiisa soo eegtay bay ku
tiri: jaaw… mursal iska waran.
Axmed oo markii hore la yaabay isbedelka mursal ku dhacay markuu
ogaaday sheekada labada dhinac ka
godlatay.dhegba jalaq uma uusan siinine gabadhisii kale buu ku jeestay.
Habeenkaas wuxuu Mursal u ahaa
haleen qaali ah oo buuggiisa taariikhdu xusi doonto. Muxibbo oo kaligeed
ah baa dhiniciisa ka dhakooshay ,
wallee arrin uu caawa dhameysan
waayey habeen kale ma dhameysto.
Wuxuu filimku ku hadlayey afka talyaaniga, wuxuuna ka sheekeynayey
qiso dhex martay wiil iyo gabadh
is caashaqsanaa, hase yeeshee
dhibaatooyin fara badani ay kala
dhex taagnaayeen; gabadhu waxay
ka dhalatay qoys maaqlqabeen ah:
wiilkuna wuxuu kasoo jeeday qoys
sabool ah. Gabadhu iyadaa jacaylka
ku beertay, isaguna kumuusan gacan saydhin ee wuxuu guntiga u xidhay siduu u waraabin lahaa geedka
jacaylka ee ay iniintiisa beertay.
Waxaa jacaylkooda ka war helaya
gabadha qoyskooda, waxayna hadimooyin u horseedayaan wiilkii miskiinka ahaa ee isagoo iska xamaalanaya ay gabadhoodu ku dirqisay
inuu jacayl la koriyo. Markey reerkiisu ogaadeen sababta dhibatooyinkaas loo dhaxalsiiyey guud ahaan
iyaga gaar ahaanna wiilkooda, waxay go’aansadeen in ay wiilkooda
gabadhaas ka reebaan inta ayan
dhibaatadu intaas ka badan.
Mataanihii is doortay ee ay waayaha
iyo waalidku kala wareejeen waxay
arinni la dhaafi weyday in ay isla
dhuuntaan, waxay hadba umuurtii
lasoo deristaba si wada jir ah gaashaanka ugu daruuraanba, wuxuu
guurkoodu ku soo gabagaboobay
guur lagu nasto oo raandhiis leh.
Wuxuu jacaylkoodu noqday mid
dhidibada aastay. Waxay tusaale
u noqdeen mucaashaqiinta intay
jacaylka isla barbaariyaan haddaban
markey mushkiladi la soo gudboonaato kala booda oo kala dida.
Filimkan jacaylka ah meel weyn
buu mursal ugu soo baxay.. wuxuu
u sahlayaa inuu ujeedadiisa daaha
ka qaado… oo waan ku jecelahay
miyuu yiraahdaa.. maya… oo haddaasna muxuu filimkan jacaylka ahi
ku soo kordhiyay.
Mursal isagoo ka faa’iideyssanaya
dhacdooyinka uu jacaylku ka da’ayo
ee uu filimku soo bandhigay uguna
soo hadal qaaday jacaylka iyo sida
ay iyadu u aragto.
“Aboowe anigu jiritaanka jacaylka
waan rumaysanahay, midkase dhallinyarada maantu is ku beer dulucsadaan waxaan u arkaa dhallanteed
bushimaha uun ku siman oo hadba
qofkii loo danleeyahay dabin looga
dhigo” bay tiri iyadoo u hadlaysa sidii
garyaqaan qaddiyad difaacaya.
Mursal intuu hoosta eebe kaga mahad naqay markey qiratay jiritaanka
jacaylka buu haddana weydiiyey: oo
macalinkii jacaylka ayaadba tahay
adigu weli jacayl ma dhadhamisay.
Muxibbo iyadoo la yaaban aragtida
gaaban ee uu mursal jacaylka ka
qabo bay ku tiri: haddii jacaylka la
isku ridi karo mar horaanba macaankiisa dhadhamin lahaa, laakiin
adigu maxaad su’aalaha caynkaas
ah ii weydiineysaa”.
“ wax kale maahee micnaha jacaylka
dhabta ah iyo sida aad adigu u aragto
uun baan doonayey in aan ogaado”.
Muxibbo dareen baa galay, waxayna
niyadda iska tiri: armuu ku ogaaday
in aad adiguba isaga jeceshahay
oo aad baadiboog dheer ugu jirtay
tan iyo maalintii aad baabuurka ku
wada kulanteen… ooo haddii aad
u sheegato maxaa ku jaban waa
wiil ilbax ahe.. intay xaggiisa soo
qooraansatay bay ku tiri: gacaliye
adigu sideen buu jacaylka kuula
muuqdaaa.
Mursal dhulka iyo cirkaa la wareegay.. naxdin iyo farxad baa jirkiisa
mar qura ku wada kulmay.. waa
markii ugu horreesay oo ay gacaliye
tiraahdo.
Mursal way la adkaatay inuu muxibbo jacaylka u qeexo, wuxuuse nasiib
wanaag jeebjiisa fag ka soo siiyey
maqaal arintaas ka waramayay oo
uu maalintas wargayska xiddigta Octoobar qoray
LA SOCO CADADKA XIGA
Qore: Idiris Shire Xussain
e-mail: [email protected]
T
ariikhda hab dhaqan-dhaqaalaha
Federaalka & sida uu assalahaan
uga soo jeedo Dawladdii Islaamka
(Qaybta 1aad) :
Aragtiyaha kala duwan ee Soomaalidu
ka qabto & danaha siyasadeed ee ku
dheehan aragtiyaha qaarkood:
Hordhac
Sidii
udubbada
loogu
taagay
Dawladda
Ku-Meel
Gaarka
Federaalka Soomaaliyeed (TFG) oo
lagu yagleelay shirkii dib-u-hishisiinta
Soomaaliyeed ee lagu qabtay xarunta
Embegaati ee dalka Kenya ilaa laga
doortay Madaxweyne bishii Oktoobar
2004. Ilaa wakhtigaas, goobaha
fadhi-ku-dirirka Soomaalida, waxaa
aad ugu batay hadalhaynta erayga
(Federal) & faallayntiisaba. Goobo
fara badan oo aan goobjoog ka
ahaa, oo laga doodayo saamaynta
siyasadeed ee qaab xukunka
Federaalku ku soo kordhinayo
masraxa siyaasadda soomaaliyeed,
waxaa iiga soo ifbaxay inay dadku
ka qabaan aragtiyo aad & aad u kala
fog!
 
Tusaale ahaan, kooxi waxay qabtaa
in maamullada ay samayndoonto
dawladda
(TFG),
siday
ugu
qeexantahay (Axdi Qarameedka
Ku-Meel Gaarka), inay midnimada
& qaranimada soomaaliyeed lagu
weeqayo oo Soomaaliya loo jarjari
doono maamullo yaryar oo aan itaal
badan lahayn, sida ay badanaaba
ku hadaaqi jireen madaxda sare ee
Dawladdii hore (TFG) ee lagu dhisay
magaalada Carta ee Jamhuuriyadda
Jabuuti, ayna odhan jireen fikradda
(Federaalku) waxaa ka dambeeya
dawlado cadow u ah midnimada &
qaranimada Soomaaliya! Iyaga oo
ulajeedadooda dhabta ahi ay tahay
inay Ummadda Soomaaliyeed ku
sanddulleeyaan inay mar kale, ka
amar qaadato magaala madaxda
qaranka ee Muqdisho sida uu xaalku
ahaan jirey 1960 illa xilligii burburka
ee Jan. 1991
Koox kale, waxaa iska dhex galay
laba qaab xukun oo kala ah (Federal)
& (Confederal). Qaabka (Federal)
wuxuu khuseeya hal ummadd oo leh
hal shakhsiyadeed oo dastuuri ah, hal
calan, midaysan, marnaba & sinaba
u kala tegi karin sida (The United
States of America), marka laga reebo
(Texas) oo gadaal ku soo biirtay (The
Act of Union – Axdiga Midnimada)
shardina ku darsatay inay kabixi
karto Dawladda Maraykank haddii
shacabka reer (Texas) badankiisu,
marka afti laga qaado, ay taladiisu
sidaas u badato. Ka labaad
(Confederal) wuxuu khuseeyaa laba
ummadood/
qurumood amba ka badan oo
markoodii horena kala lahaa
shakhsiyado dastuuri ah, affaf &
calammo kala duwan, sidaasna
iyagoo u kala madax bannaan ku
heshiiyey inay wada samaystaan
qaab maamul ay wadagaan.
Isbahaysigaas waxaa ka abuurma
maamul kale oo hor leh oo
(Confederal) ah oo hal calan leh (The
Russian Confederation) oo kale.
Dalka Switzerland, isna waa tussale
kale. Sidaas awgeed, dal kasta ama
ummadd kasta oo isbahaysigaas ka
mid ah xaq bay u leeyihiin inay dib
ugu laabtaan ka qaybgalkiisa kuna
noqdaan madax banaanidodii hore,
intaanay isbahaysiga (Confederalka)
ka mid noqon. Isku-dhexyaacintaas
labada
qaab,
Soomaalida
dhexdooda, waxaa dhiirgelinaya
siyaasiinta Soomaalida qarkood
iyagoo garanaya faraqa labada
qaab xukun u dhaxeeya, waxayna
ka tahay inay aburaan jaahwareer
siyaasadeed oo horseedi kara in
Soomaalida loo arko inay yihiin
ummado kala duwan, taasina xiliyo
dambe fududaynaysa in Ummadda
Soomaaliyeed dhowr dawladood oo
yaryar loo jarjaro.
Koox 3aad, waxay iyaguna qabaan
in maamullada la samayndoono,
amaba kuwa haddaba jiraa, inay
lahaanayaan xoriyaad kaamil ah
oo sida qolo kastaba doonayso u
maarayn karto arrimaheeda maamul
gudo & debedba, sida loollanka
ka dhex taagan maamulada jira
qarkood & Dawladda (TFG), gaar
ahaana shuruucda la xidhiidha
dakhliga cashuurta ka soo xeroota &
soo saaridda khayraadka dabiciiga
ah!
Aragtiyadaas kor ku xussan & kuwa
kale oo ka duwan, oo aan qormadan
lagu wada xusi karin, lakiin kuwan
aan sheegnay ugu muhiimsan yihiin,
waxay hordhac u yihiin falooyin
kale oo la xidhiidha oo aan idiin soo
bandhigi doono, dhamamaantoodna
waxay ka mid yihiin baadhitaan
kooban oo lagu qaada-dhigayo halka
uu assalahaan ka soo jeedo (Qaab
Xukunka Federaalka).& markiisa
horeba halka uu ka soo unkamay &
duruufaha ay fikradiisu ku dhalatay
& dawladdii ugu horraysay oo
hirgelisay. Si yolkaas loo gaadho
waxaa inoo muuqda inaanay
ka fursanayn in gogolxaadh ku
habboon loo sameeyo & dulmar lagu
baadigoobo dhammaan hababka
qaab xukun & dhaqan-dhaqaalhooda
siyaasadeed (Qaab Xukunka Guud)
ee aadanuhu lahaan jirey & kuwa uu
leeyahay illa wakhtigan xaadirka ah.
LA SOCO CADADKA XIGA
 
6
ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA
DAGAALKII OGAADEENYA
W/Q:- Dr. Saadiq Eenow
G
aashaanle Mengistu Xayle
Mariam oo madaxweyne
noqon
doona,
wuxuu
ahaa ku xigeenka guddoomiyaha
golaha ciidamada. Gaashaanle
Berhanu Bayeh wuxuu kamid
ahaa raggii ugu horeeyay oo ka
hor yimid nadaamkii Mengistu.
Gaashaanle Kiros Alemayehu
oo wakhti dambe inta la xiray
xabsiga isku dilay. Gaashaanle
Daniel Asfaw oo aanan golaha
kamid ahayn, lase shaqeeyay,
waa la toogtey. Gaashaanle
Sisay Habte aqoonyahan sarkaal
ciidanka cirka ka tirsan, waa la
toogtey. Laba Xiddigle Sileshi
Beyene waxaa lagu diley amar uu
bixiyey Mingistu. Laba Xiddigle
Bewketu Kassa waxaa isna lagu
diley amar uu Mingistu bixiyey.
Damme Miikail Gebrenegus oo
markii dambe intuu baxsaday
ku biiray urukii ka dagaallamyey
Eriteeriya sanadkii 1975-kii.
Guud ahaan, saraakiisha Itoobiya
ee dhaqdhaqaaqa waday, waxaa
ku dhex jirey khilaafaad ku
saleysan meelihii kala duwanaa
oo ay ku soo qaateen aqoonta iyo
tababarrada ciidameed. Ragga
wax ku soo bartay kulliyadaha reer
galbeedka waxay ahaayeen rag
akaadeemik ah oo ay tacliintooda
ciidameed ay sarreeyso. Qolo
kale waxay ka soo qalin-jebiyeen
kulliyadihii dalka gudihiisa ahaa.
Kuwaas oo lagu xaman jiray in
aqoontooda ay hooseeso, waana
ay dareensanaayeen in laga tayo
wanaagsan yahay. Qolo kale ayaa
jirtay oo ahaa ciidamada cirka
iyo kuwa badda oo iyagu aamin
sanaa in ay yihiin kuwa ugu aqoon
wanaagsan ciidamada Itoobiya.
Sida la´ogsoon yahayna Itoobiya
waa dal laga aaminsan yahay kala
sarreynta maaddiga ah.
Bishii agosto, guddi-hoosaadkii
iyo koox kale oo dibadda laga
keenay ayaa waxay bilaabeen
in ay u howlgalaan sidii ay
boqorka u fogeyn lahaayeen.
Waxay sameeyeen tijaabooyin ay
dadweynaha ku eegayaan heerka
uu gaarsiisan yahay niyadda ay
boqorka u hayaan. 25-kii bisha,
qasrigii boqorka oo la oran jiray
Jubilee Palace, ayay magacii ka
bedeleen oo ay u bixiyeen National
Palace. 27-kii bisha gaadiidkii ka
shaqeynayay magaalo-madaxda
oo la malaynayo in ay ahaayeen
hanti uu boqorku leeyahay ayaa la
qarameeyay. Waxaa xigay Hayle
Selassie Trust iyo St. George
Brewery oo ahaa laba shirkadood
oo waaweyn ayaa lala wareegay
5-tii sebtember.
eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun
qalin ka sameysan. Xilligaas
magaalooyinka Itoobiya waxaa
telefishan ka lahaa Adis-ababa
oo keliya. Dad-weynihii ku noolaa
magaalo-madaxda oo filinkaas
daawaday waxaa u kordhay caro
iyo nacayb ay u qabaan boqorka
iyo maamulkiisa. Waxay diyaar u
noqdeen in ay soo dhoweeyaan
aragti walba oo lid ku ah nadaamka
Embraadoor Xayle.
Mengistu Xayle Mariam
7-dii iyo 8-dii bishii sebtember
sanadkii 1974-kii, fadhi ay guddihoosaadkii qaateen, ayaa waxay
isku tusiyeen in wax ka hor-imaad
ah uusan jireynin haddii uu goluhu
boqorka kala wareego talada
dalka. 10-kii sebtember guddigu
wuxuu guddoonsaday in ay talada
dalka la wareegaan.
Guddi-hoosaadkii,
iyaga
oo
doonaya in ay sii kororto colaadda
dadweynaha
Itoobiya
ay
u
qabaan boqorka iyo nadaamkiisa,
baa waxay adeegsadeen filin
dokumenteer ah oo uu duubay nin
la yiraahdo Jonathan Dimbelby´s
oo ku saabsan abaarihii xilligaas
Itoobiya ka jirey iyo rafaadkii ka
muuqday nolosha dadkii reer
miyiga ahaa. Abaartaasi oo ahayd
mid degaanka ku habsatay, ayaa
Soomaalidu ay ku magacaabeen
Daba Dheer. Guddigu wuxuu
adeegsaday telefishinkii dalka oo
uu ka sii daayay barnaamijkaas oo
horay inta loo duubay la qarinayay
Waxaa
kale
oo
ayaamahaa
telefishanka dalka laga sii daayay
filin ku saabsan noloshii raaxada
badnayd ee uu boqorka iyo
dadkiisa ay ku jireen. Waxaa kamid
ahaa waxyaabihii dadweynaha
loo soo bandhigay, boqorka oo
eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun
qalin ka sameysan. Xilligaas
magaalooyinka Itoobiya waxaa
telefishan ka lahaa Adis-ababa
oo keliya. Dad-weynihii ku noolaa
magaalo-madaxda oo filinkaas
daawaday waxaa u kordhay caro
iyo nacayb ay u qabaan boqorka
iyo maamulkiisa. Waxay diyaar u
noqdeen in ay soo dhoweeyaan
aragti walba oo lid ku ah nadaamka
Embraadoor Xayle.
Waxaa
kale
oo
ayaamahaa
telefishanka dalka laga sii daayay
filin ku saabsan noloshii raaxada
badnayd ee uu boqorka iyo
dadkiisa ay ku jireen. Waxaa kamid
ahaa waxyaabihii dadweynaha loo
soo bandhigay, boqorka oo
12/ 9- 1974-kii guddi-hoosaadkii
waxay
xireen
boqorkii
iyo
wasiiradiisii. Isla maalintaas ayaa
golihii waxay u fariisteen in ay
iska doortaan nin hoggaamiye
ah. Waxaa la soo bandhigay
in
guddoomiye
loo
doorto
Gaashaanle Atnafu Abate. Golihii
waa ay ku qeybsameen, waayo qolo
kale ayaa waxay wateen in goluhu
uu odey ka noqdo Gaashaanle
Mengistu Xayle Mariam. Labada
sarkaal waxaa xiiso loo qabay
kan danbe, waayo wuxuu ka
yimid qoys sabool ah, mana u
dhalan qowmiyadda Amxaarada
ah oo xilligaas ahayd kuwa
talada hayay. Saraakiil badan baa
qabay in shakhsiyadda Mengistu
uu sawir qurxoon u noqon
karo kacdoonkan xambaarsan
aragtida
hantiwadaaga
ah.
Ragga aragtidaas qabay waxay
doonayeen
in
ay
jebiyaan
dhaqankii gacan-sareynta ahaa
oo ay Amxaaradu ku heysatay
qowmiyadaha ay isku degaanka
yihiin. Si khilaafka u yaraado ayaa
golihii waxay guddoonsadeen in
ay labadii sarkaal ka leexdaan oo
ay doortaan Jeneraal Ammaan
Maikal Andom taliyihii qeybta
saddexaad ee ciidamada Itoobiya.
Waa jeneraalkii ku soo duulay
Soomaaliya 1964-kii.
Saraakiisha Itoobiya ee ka soo
howl-galay gobolka Ogaadeenya,
ayaa mudnaan gaar ah ku dhex
lahaa ciidamada. Taasina waxaa u
sabab ah qalafsanaanta cimilada
gobolka iyo dadkiisa oo ahayd
mid askariga jilicsan aanan u
saamaxeyn in uu ku noolaado.
Culayska ay Soomaalidu xilligaas
ku hayeen ciidamada Itoobiya
waxaa la oran karay waa mid la
muuqaal ah culayska ay ciidamada
Masar ku hayeen ciidamada
Israa´iil, inteeyan heshiin. Sidaa
darteed Jeneraal Ammaan oo
muddo dhowr iyo toban sano ah
ka soo khidmeeyay ciidamadii
fadhiyay Ogaadeenya ayaa helay
doorashadii golaha.
Markii
la
doortey
Jeneraal
Ammaan, waxaa fariisan waayay
AXAD 24 MAY 2009 Mengistu oo ku dadaalay in
uu
dibin-daabyo
hoose
ku
maja-xaabiyo jananka, si uu u
curyaamiyo
howlaha
golaha.
Mengistu waxaa ku weynaa damac
ah in uu isaga odey ka noqdo
dalka. Cimilo uu kaashadona waa
ay u muuqatay oo dad badan ayaa
u jidbeysnaa. Jeneraal Ammaan
wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah,
dad-weynaha reer Itoobiyana
sumcad wanaagsan ku leh.
Waxaa u weheliyay wuxuu ahaa
sarkaal daacad u ah howlihiisa.
Haddii uusan Mengistu jiri lahayn
wuxuu noqon lahaa nin Itoobiya
ka badbaadiya xasuuq badan
oo ay martay. Jananku wuxuu
markiiba golihii soo dhex-dhigay
talo ah in uu doonayo in uu arrinta
Eriteeriya ku xalliyo si nabad ah.
Wuxuu ahaa nin hal-abuur leh.
Wuxuu isku deyay in uu dhiso
mu´asasad dowladeed oo si toos
ah ula wareegta talada dalka,
isagana uu madax ka yahay.
Dhalashadiisa oo Ereteriyaan
ahayd ayaa waxay noqotay duleel
loo adeegsado in lagu jebiyo isaga
iyo aragtiyaalkiisii siyaasadeed.
Bartamihii
bishii
nefember,
Jeneraal Ammaan waa uu is
casilay. Wuxuu sheegay in xilka uu
hayay uusan ku soo laabanayn illaa
goluhu u aqoonsado in uu dalka
madaxweyne ka yahay. Mengistu,
oo ka socda guddi-hoosaadkii
ayaa aroornimadii ay taariikhdu
ahayd 23/ 11- 1974-kii ku kallahay
aqalkii uu ku noolaa Jeneraal
Ammaan, isaga oo kala doodaya
aragtiyaal ay kamid ahayd taladii
jananka uu ka dhiibtay Ereteriya.
Isla maalintaas ayuu Mengistu
wuxuu amray in jeneraalka lagu
xabbiso gurigiisa. Waxaa kale
oo uu xabsiyada u taxaabay 22
kamid ahaa saraakiishii dalka oo
uu ku dareensanaa in eeyan raalli
uga noqoneynin in uu xukunka
maroorsado. Isla galabtaas, koox
ciidamo ah oo uu hor kacayo
Gaashaanle Daniel Asfaw, ayaa
waxay
hareereeyeen
aqalkii
Jeneraal Ammaan. Kooxdaasi oo
ku baxay amar uu bixiyay Mengistu
Xayle Mariam ayaa waxay xabado
is-dhaafsadeen ilaaladii jananka.
Waxaa halkaa lagu laayay saraakiil
dhalinyaro ahayd oo jeneraalka
taageersanayd.
Dabadeed
Jeneraal Ammaan, waa uu is-dilay,
isaga oo qaba lebiskii ciidamada
Itoobiya.
Habeenkaas, fadhi ay goluhu
qaateen ayaa Mengistu lagu
wareystay in uu war-bixin ka
dhiibo falka uu ku kacay.Dhiiga
gacmihiisa ka qoyan, ma noqon
mid uu la xishoodo, bal wuxuu
ku adkaystay in uu jid u leeyahay
falkaas.Halka uu goluhu doonayay
in uu xasiliyo siyaasadda dalka,
LA SOCO CADADKA AXADA
AXAD 24 MAY 2009
Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay weyn ku leh dhaqaalaha adduunka.
kale oo muhiim ah in lagu
Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego . Waxaa
baaraarugsanaado in dalka YeYemen oo Qoraal Qabyo ah u Gudbisay
Qarammada Midoobay
CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009
“20kii March 2009 ayaa Jamhuuriyadda Yemen waxay Guddiga xadaynta badaha Adduunka ee UN-ta
u gudbisay cabbirada xadaynaya
dhul-badeedka ka baxsan fogaanta 200nmi ee qalfoofka qaaradda,
ayada oo raacaysa qodobka Article
76, qaybtiisa 8, ee xeerka badaha
Qarammada Midoobay ee 10kii
December 1982,” sidaas waxaa ku
bilowday qoraal ay 20kii Maarso
2009 faafisay shabakada UN-ta.[32]
- Waxaana shabakadda UN-ta ku
xusan in qoraalka ay soo tebisay Yemen lagu dari doono qorshaha ay ka
wada hadli doonaan Guddiga Qaraammada Midoobay shirkooda 24aad
oo New York lagu qaban doono inta
u dhaxaysa 10ka August ilaa 11ka
September 2009.
Qoraalka ay gudbisay Yemen waxaa
la socda khariidad kooban oo muujinaysa cabbirada (looka iyo dhigaha)
qayb ka mid ah aagga dhanka Koonfur Bari ka xiga jasiiradda Suqadara,
sida ka muuqata sawirka hoose.
Laakiin weli shabakaddu ma soo
bandhigin dhammaan cabbirka badda Gacanka Cadmeed ee xadaysa
Yemen iyo dhulka Soomaalida: Laga
soo bilaabo aagga ku beegan jasiiradaha Saacadadiin iyo Ceebaab
oo qiyaastii 10km u jira Saylac ilaa
laga gaarayo cirifka Caluula.
Sida aan hore usoo aragnay, jasiiradda Suqadara waxay caqabad ku
tahay baaxadda badda Soomaaliya.
Islamarkaas marka la fiiriyo loolka
iyo dhigaha ay Yemen ku muujisay
cabbirka cusub waxa ay toos ugu
beegan yihiin aagga Xaafuun
yihiin dhulka hoos imanayay Talyaaniga, sidaas daraadeed jasiiradahaas
waxaa hadda leh Soomaaliya. Xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya
waa xeeb siman, marka xeebtaas
laga socdo xarriiq labada dal isku in
u jirta oo dhanka badda loo socdo
200nmi ee aagga Ganacsiga (EEZ),
barta xadaysnaysa waxay dhacdaa
loolka iyo dhigta 3°30’S iyo 44°19’E.
Maadaama xeebta labada dal xadaynaysa ay ku dherersan tahay jihada KoonfurGalbeed-WaqooyiBari,
markaas xarriiqda xadaynaysa badda labadaas dal waxay u soconaysaa jihada Koonfur-Bari
Maadaama Kenya iyo Tanzania ku
heshiiyeen xadka xeebtooda, iskuna raaceen in xarriiqda xadaaynaysa
ay la barbarro tahay loolka dhanka
Waqooyi ka mara jasiiradda Pemba,
taas waxay sababtay in badda Kenya ay ka soo yaraato dhanka xiga
Tanzania marka loo sii durko badweynta. Waxa aan suurto gal ahayn
in Kenya oo adeegsanaysa caqabadaas kaga timid dhanka Tanzaniya
ay Soomaalida ku qanciyaan in xariiqda kala qaybisa (Soomaaliya-Kenya) ay tahay xariiq taas looga cabbir qaabana karo oo barbarro la ah
loolka oo u socota jihada bari, sida
tan Tanzania. Waxaa xusid mudan
in dhanka Waqooyi ee Soomaalida
ay xannibayso jasiiradda Suqadara.
(Prescott & Schofield 2005, 466). In
qodobbadaas lagu adkeeyo qoraalka waa dulucda warbixinta.
Gabagabo:
Inkasta oo cabbirada ay Kenya iyo
Yemen u gudbiyeen Qarammada
Midoobay ay qabyo yihiin (oo la arki
doono cabbiradooda kama dambaysta ah iyo warbixintooda oo faahfaahsan), haddana marka si qoto
dheer loo eego xogta ay ilaa hadda
u gudbiyeen Guddiga Xadaynta
Badaha (oo ay u adeegsan karaan
tixraac buugaagta ku qormaya),
waxaa si cad uga muuqda isku day
in dhul-badeedka Soomaaliya si xarfadaysan looga dhaxal wareejiyo
Soomaalida.
Gabagabadii, arrimaha muhiimka
ah oo u baahan in lala socdo waxaa
ka mid ah: qaabka ay Dowladaha
badda la wadaaga Soomaaliya ay
badahooda xadayn cusub ugu sameeyaan. Waxaana dalalkaas ka
mid ah Seychelles, Maldives, Hindiya iyo dabcan Yemen iyo Kenya oo
aan dhammaantood bad wadaagno.
(FG: Jasiiradaha Seychelles waxay
xogta cusub ee xadaynta baddooda
ku wareejiyeen Qarammada Midoobey December 2008)[33]
Markale aan naqtiin aahaan ku dib
u jalleecno waxay arrimahaas ka xuseen buugaagtii hore loo qoray:
Waxaa aad muhiim u ah in si weyn
isha loogu hayo xadka badda ee u
dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen,
maadaama gacanka cadmeed uu u
kala baran yahay labada dal, waa in
la hubiyo in aan Yemen soo ruuqaansan ama xadkeeda u soo durkin
dhanka Soomaaliya. Waxaa xusid
mudan in Gacanka Cadmeed iyo
Badda Cas[34] tahay meel muhiim
Xadka xeebta ee Kenya iyo Soomaaliya wxaa ku dhow jasiirado yaryar
oo xiriirsan oo loo yaqaan Lama
Shaaqa. Axdigii “1924 Anglo-Italian
Treaty” waxa uu si Qeexan u sheegayaa in jasiiradahaasi ay raacsan
7
ILAYS NEWSPAPER/CAYAARAHA
men loo malaynayo in ay shidaal
ka sahamiyeen aag aad ugu dhaw
cirirfka waqooyi ee Soomaaliya ee
la ollogga ah Suqadara. (Arrintaas
waxaan December 2007 ka qornay
qoraal cinwaankiisu ahaa “Dalka Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda
Soomaaliya?”.[35
Sidoo kale waxaa taxadar weyn u
baahan in isha lagu hayo xadka badda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. Waxaana xusid mudan in lagu
tuhmayo Kenya in ay hore baaritaan
sahamin shidaal ugu samaysay
Lamu meel u dhow oo loo malaynayo xadka xiga badda Soomaalida
Gabagabada warbixintan waxaa
lagama maarmaan ah in markale
la xuso sababaha loo sameeyey
xeerka badaha in ay salka ku hayso
arrimo la xiriira dhaqaale iyo ganacsi iyo khayraadka dabiiciga ah
ee badda ku jira cidda yeelaneysa
(Kalluunka iyo Batroolka).
Dhamaad
Shiekh Xasan Daahir oo ($25,000) ku bixiyay
safarkii uu Mogadishu ku tagay iyo Shiekh
Umal oo eedeemo loo soo jeediyay:
Daily Nation/Tarjumadii Somalitalk
Wargeeska Daily Nation ee ka soo
baxa dalka Kenya ayaa Khamiis May
21, 2009 bogiisa hore ku soo daacabay warbixin uu kaga hadlayo qaabkii uu Shiekh Hassan Dahir Aweys
ugu laabtay magaaladda Mogadishu
warbixintan oo uu cinwaan ooga dhigay wargeeska (Wanted al Qaeda
man flew in Kenyan plane).
Sheikh Aweys iyo lix nin oo kalle oo
lagu sheegay in ay Somalia yihiin
ayaa bishii April 22, 2009 mar ay u
socdeen magaaladda Mogadishu ku
hagaday garoonka Wilson airport ee
magaaladda Nairobi. Balse sidee arrintaas ku dhacday.?
Wargeeska Daily Nation oo arrintan
baaritaan dheer ku sameeyay ayaa
sheegay in Hassan Dahir Aweyn
iyo Lixda Qof ee la socotayba ay ku
baxday lacag gaareeysa $25,000 oo
u dhiganta (Sh 1.9 m). Dhan kalle
wargeeska Daily Nation ayaa sheegay in ay la xariireen Maamulka iyo
Shaqaalaha Wilson Airport. Balse
wargeeska ayaa sheegay in qof magaciisa aan la soo sheegin uu tikidka
u jaray kooxdan oo Hassan Daahir Hogaaminayay, ninkan ayaa la
sheegay in uu yiri waan u shaqeeyaa
shirkada Farah Transport oo aan
faah-faahin dheeraad ah aan laga
bixin.
Lixda nin ee ku wehlisay safarka
Hassan Daahir ayaa magacyadooda
lagu sheegay in ay kala yihiin Osman
A. Hassan, Aden W. Diriye, Ali O. Mohamed, Kheyre A. Ali, Mohamed S.
Ali and Idris J. Abdi. Dhmaan ragan
ayaa la sheegay in ay yihiin Somali.
Dhanka kale wargayska oo soo xiganayey ilo dhanka amaanka ah
ayaa sheegay in lacag aruurin waxa
ay ugu yeereen kooxaha xagjira
oo soomaali ah oo sida wargeysku
sheegay lacagta ku ururiya hoteel ku
yaal xaafada islii ee Nairobi. Waxaa
wargaysku yiri mid kamid ah dadka
lacagta uruririya waa Sheikh Umal.
Waxaa wargaysku sheegay in lacagta islii laga ururiyo ay qayb ka tahay
shabakad isku xiral ilaa Yurub oo
lacag loogu ururirano waxa ay ugu
yeereen dagaalyahanada xagjira ee
Muqdisho.
Dhan kalle dowladda Somalia ayaa
cabasho u gudbisay dowladda Kenya, safiirka DFKMG ee Somalia ee
dalka Kenya u fadhiya Mohamed Ali
Nuur “Americo” oo waraysi siinayay
TV-ga Press TV ee laga leeyahay
dalka Iran ayaa cadeeyay In dowlada Kenya gaar ahaan Wasaarada
Arrimaha dibada ay arrintan u gudbiyeen.
“Dowladda Kenya waxay balan qaaday in ay arrintan dib u fiirin doonto”
ayuu yiri Cali Americo.
Arrinta ayaa imaneeysa kadib markii
kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda FKMG
ah ee Somalia la sheegay in ay
isku dayeen in ay ridaan dowladda
Somalia ee uu hogaamiyo Madaxwayne Shiekh Shariif. Dhan kalle
kullankii dowladaha IGAD ay ku
yeesheen dalka Ethiopia ayay ku
sheegeen in ay dhibaatooyinka Somalia ka socday ay qeeb ka tahay
dowladda Eritrea
LANDLINE
Adeeg-yada ay bixiso shirkada Telcom Puntland waxaa ka mid ah Landline ,landline-ka ay bixiso shirkadda
Telcom puntland macaamiishu waxa ay isku wici karaan lacag la’aan gudaha Puntland oo dhan waana
landline casri ah oo wata feature-skii ugu danbeeyay ee dunida maanta laga isticmaalo
Landline Features
Abbreviated Dialing (Nambar garacasho fudud ama garaacis aad soo gabsanayso.)
Si aad u dalbatid fadlan garaac *51*12*Lambarka doonayso in aad wacdo#
Si aad isaga xirtid fadlan garaac #51*12#
HORYAAL
PRINTING
CENTER
Absent subscriber ( marka aad ka maqantahay Landline-kaaga waxad ku xirankartaa fariin )
Activation *50#
Deactivation #50#
Do not Disturb.
Waa adeeg loogu talogalay inaad ku xirto telefoonkaaga wakhtiga aad seexanayso si
aan laguu soo wicin ilaa inta aad kakacayso
Si aad u dalbatid *56*HHMM#
Si aad isaga xirtid #56#
.Call Waiting
Haddi aad rabto in usan telefoonkaga mashquul kaa nooqon inta aad ku hadlayso laguna soo wici karo.
Activation *58#
Deactivation #58#
Wake up Alarm
Hadii aad donayso inaad telefoonkaga ku buuxiso waqtiyo farabadan aad balan leedahay si uu ku xusuusiyo balamaha
Si aad u dalbatid fadlan garaac *55*HHMM#
 Si aad isaga xirtid fadlan garaac #55#
Hot Line
Ku buuxi telkaaga 5 ilbiriqsi kadib in uu kuu waco telefonka aad gashatay markii aad
gacanka telefoonka kor u qaado.
Si aad u dalbatid *52* Lambarka doonayso in uu ku waco#
Si aad isaga xirtid #52#
MCID service
Oganshaha telefoonka kusoo wacay hadii aad haysato telefoon aan shaanshad leheyn.
Activation *33#
Tusaale: dhagayso lambarka qofka kusoo wacay oo maqal ah.
Tusaale: dhagayso lambarka qofka kusoo wacay oo maqal ah.
Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose:
Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com
JOWLE ENTERPRISES
Office Stationery
[email protected]
Electronics and Satellite Digiitals
Office furnitures
Renting Cars % For Selling
ADEEGYADA
DAABACADEED EE
HORYAAL DIYAARKA
KUULA TAHAY
Buugta Akhriska

Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada

Receipt Vouchers

Payment
Vouchers

Invoices

Cash Sales

Daily Sheets

Business Cards

Envelops
Stickers
Prescription

Register Books

Text Books

I.D Cards

Certifications

Flyers
Invitations Cards
KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA
DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U
RABTO
& QIIME KURAALI GALIYA
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724
Tell :- 824299/796169/726169
BOSASO SOMALIA

Similar documents

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009 ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

More information

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:[email protected] Ilays designer Omar Said moh’ed

More information

xog-doon.3

xog-doon.3 jebisay heshiiskay la gashay dadka Somaliland.(1884-188 9, waxay kanna saar…." Waxaa xafladda ka soo qayb galay wafti ka yimi dawladda Ingriisku beelaha Waqooyi la gashay heshiis odhanayay Muqdishu...

More information

Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay

Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- [email protected]

More information