Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas
Transcription
ILAYS ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:[email protected] Ilays designer Omar Said moh’ed AXAD 31 MAAJO, 2009, Caddadkii 35aad , Tell:-712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh OUR SERVICE OUR SERVICE GSM INTERNET SMS MASSAGE E-ADEEG Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas Ifrax Oo Ku Guuldaraysatay Rafacaankii Ay Qaadatay Tifaftiraha Ilays EEG BOGGA 3AAD I frax Cali Aadan oo ayaa ku guuldaraysatay rafcaan ay ka qaadatay Dil ay Maxkamada Derajada Kowaad ee Gobolka Bari 27 April, 2009 ku xukuntay. Ifrax ayaa shalay oo Sabti, 30 Maajo, 2009 la horkeenay Maxkamada, waxaana mar labaad lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo maxkamaddu ay dhammaanba waxyaabihii ay ku doodaysay Gacan-kup-dhiiglay Ifrax Cali Aadan la diiday. Garaad Cusub Oo La Caleemo Saaray Dhammaan Ummada Somaliyeed Waan Cafiyay, waxaana ka codsanayaa in ay Cafiyeen” Garaad Maxamed Aadan Ifrax Cali Aadan ayaa maxkamada u sheegtay in ay ka xuntahay, falkii ay ku dishay Alle ha u naxariitee Sucaad Maxamed Cabdi awaare oo 26 April ay mindi ku dishay, waxayna codsatay in la cafiyo, maadaama Maskaxdeedu aysan koogin markii ay falkaas samaynaysay oo uu masary hayay. Wax Yaalaha Naftu Jeceshahay Oo lagu Galo Naarta. EEG BOGGA 5AAD WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD Hase yeeshee Maxkamada ayaa u sheegtay, ifrax , in arrinta cafiska la xiriirta ay xaq u leeyihiin Qoyska Marxuumaddii ay Dishay. Maxamed Cabdi Awaare, Guddoomiyaha Maxmkamada derjada kowaad oo ah Aabaha dhalay Marxuumaddii la dilay, ayaa ku adkaystay in la qisaaso Farxiyo, waxaana uu u sheegay Ifrax iyo qoyskeedaba in Kheyr iyo Wannaagba uu ku jiro in la Qisaaso ifrax, sida uu ilaahayba ku sheegay Quraanka. Md, Maxamed Cabdi awaare, waxaa uu intaa ku daray in Qisaasta Ifrax ay dad badan kala badbaadin doonto. GUDAHA;- QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA IYO WARAR KALE Gacan-ku-dhiiglay Ifrax ayaa dib loogu celiyay xabsiga, hase yeeshee lama oga Waqti la qisaasi doono, iyo inay Weli jiraan fursaddo u bannaan oo lagu cafin karo Ifrax, . 2 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED H ay’ada DRC oo laga leeyahay Wadanka DENMARK waxay ka howlgashaa Gobolo badan oo ku Yaala Puntland iyo Somaliland, waxayna gacan siisa dadka Qaxootiga ee Dalalkooda dib-ugu soo Noqonaya, Sanadihii u danbeeyay waxay DRC bilowday kulamo iyo shirar ay u qabato Nabadoonada Somaliyeed, iyadoo Degaamo fog fog ka Martiqaada Nabadoonada, Haddaba waa maxay Hadafka ay ka leedahay DRC, waxaan waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay Suldaan C/salaan Suldaan Mu’d Aw-Axmed Nuur oo Hay’ada DRC u qaabilsan Dhowrista Xuquuqda Aadana Iyo Xalinta Khilaafaadka. Waa maxay Hadafka Hay’ada DRC ka leedahay Kulamada ay u qabato Nabadoonada Reer P/ land,Yaase Fikradan iska lahaa Markii Hore?? Xaqiiqdii, Hay’ada DRC asal ahaan ma lahayn bilowga Barnaamijkan la isugu keenayo Nabadoonada, wuxuu ka yimid Nabadoonada iyo Odoyaasha Somaliyeed Gudahooda, waxay arkeen Hay’ado farabadan oo kala hadlaya xuquuqda Bani’aadamka dhalinyaro yar yar iyo Gabdho. Marka Nabadoono ayaa soo jeediyay, Haddii laga Hadlayo xuquuq Bani’aadam waxaa ugu weyn Nafta Maaraynteeda sida Dilka, Magta iyo Nabadgelyada, waxayna Yiraahdeen dhaqanka somaliga ayaa qaba xuquuqda Bani’aadmiga, Ka dibna DRC ayey ula yimaadeen, DRC way ka aqbashay, Barnaamijkiina wuxuu noqday mid taabagal ah oo Qiimo leh, wax farabadan oo Qiimo leh ayaana ka soo baxay . Waa iska caadi, Hay’daha UNka ama kuwa kale ee Caalamiga ah waxay mid walba u joogtaa ujeedo ay iyadu leedahay oo ay garanayso, Markaa DRC ujeedad ay Barnaamijkan ay ka leedahay waxa weeyaan Xalinta Khilaafaadka (conflict Resolution) iyo Horumarinta Nabadgelyada, Ilaalinta degaanka IWM.Si ay u hesho Bay’ad wanaagsan ooy ku shaqayso oo ay kula shaqayso Nabadoonada. Sidee Ayaad u soo xushaan Nabadoonada? Waxay ku xiran tahay meesha lagu qabanayo Shirka Bosaso oo Kale Tiro 3 jeer ka badan ayaanu ku qabanay Marka laga reebo shirarka farsamo oo Midkan ugu danbeeyay ay Nabadoonadu Qashinka Magaalada ay Tusmeeyeen Dadku Gacmahooda isaga Fogeeyaan. Ajendyaasha aad Hor dhigtaan oo ay ka doodaan,kuwee ugu Muhiimsan?? Marka aanu soo hor dhigno Ajendayaasha laga Doodayo, waxaanu siinaa fursad ah Maxaad ku daraysaa maxaase ka dhimaysaan,Qodobkii ay ka saaraan waanu ka saarnaa, kii ay ku soo kordhiyaan waanu ku kordhinaa, laakiin Xuduud ayaanu u samaynaa oo aysan waqtiga iskaga qaadin Qodobo badan, Ajendayaal Qiimo lehna way keenaan, waxaanad arkaysaa marka aad la shaqayso in Meeshan ay ku jirto Hanti Xoog leh ay ku jirto, waxaad garanaysaa in ay yihiin Dadkii Umadu ku fadhiday, Waayo aragnimo Badan, Taariikho iyo Caqli badan uu ku jiro waxayna u baahanyihiin in la xanaaneeyo oo dib loo eego.Ajendayaasha inta badan ay ka doodaan waxaa ka mid ah Dilka ula kaca ah iyo Waxyaalaha dhaliya , Sida loo Daawaynaaa, waxayna aad uga doodaan Aanada iyo Dekenooyinka Qabaa’ilku isku raacaan, Maxaa ka soo baxay Shirarkaas Faraha badan, Maxayse ka faa’iideen Nabadoonadu Laf ahaantooda? Nabadoonadu Markii Hore Beelo Garaad Cusub Oo La Caleemo Saaray Ilays/Yalho M unaasibad Garaad cusub loogu caleemo-saaray Beelaha ReerXaaji ee Axmed Harti, ayaa Doraad, 29 Maajo, 2009 lagu qabtay Tuulada Yalho ee Gobolkan Bari . Isku-Shuban, Mid ayaanu ku qabanay, Garoowe,Galkacayo,Buuhoodle Iyo Laascaanood dhamaantood shirar iyo Kulamo ayaanu Nabadoonada ugu qabanay Sidee loo soo Xulaa Nabadoonada, waa arrinta ugu dhib badan, waynu garaynayaa, markii ay Burburtay Dowladii dhexe,Nin walba isaga ayaa cilaaman, isaga ayaa Cimaamad soo gadanaya,Xiranaya isku duubaya, reerkii aad labo Nabadoon ku taqiinay 10 Nabadoon ayaad ugu Imaanaysaa, waxaa laga yaabaa in Labo Nabadoon oo dambe ay soo kordheen oo duruufi keentay, Isimada, mar oron karo Barnaamijkan kuma jiraan, laakiin weli nagama codsan in aan u qabano shirar iyo Kulamo la mid ah kuwa Nabadoonada, Mida kale Nabadoonadu waxay ku jiraan Howlaha Maalinla ah ee Bulshada, halka Isimada arrintu ay Gaarto Marka ay Gudoon gaarto ama tuko Cad la Arko.waxayna la Tacaamulaan Arrin guud, Anaguna waxaan inta badan la shaqaynaa Nabadoonada. AXAD 31 MAAJO 2009 Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiinta Dawladda, Madax-dhaqameedka Gobollada Puntland, , Aqoonyahanno, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo gaaraysay Ilaa 2000kun oo qof, ayaa Garaaad loogu Caleemo-saaray Garaad Maxamed Aadan Finniin oo ka mid noqday Isimada Beelaha Harti. ayey ku kale jireen, In Mushkilo dhacdo mooyee markale isuma imaan jirin, Markii dhibaato dhacdo Labada Nabadoon ee labada beelood ooy weheliyaan Nabadoono kale ayaa isku imaan jiray.Laakiin 60 Nabadoon oo Ardaa wada fariista oo Saxan Gacanta wada geliya, Masaaliix Guud oo aysan weli hore u gelin ama uga Hadlin ay ka doodaan, Faa’iida labaad ee ka soo baxday shirarkaas , Nabadoonkii Goldogob( Mudug) Kii Laas qoray Kii Oorboogays,jiideel ama Baargaal Joogay ayaa is bartay, waxay kaloo Tab iyo Maar u heleen Go’aamada ay gaaraan xilliyada Kulamada ay yeeshaan.waxay kaloo Fuliyeen Heshiisyo farabadan, Aanooyin farabadan ayey Xaliyeen, Dad badan oo wax fakin jiray ayey ka hortageen, Runtii Documenti farabadan ayaanu haynaa, waxaa kaloo soo baxday in ay is-xilqaamaan oo lacag iska ururiyaan ooy duulaan oo Meel aadaan oo wax soo qabtaan, waxaan is leyahay Weli Jidkii bay darafka ka taagan yihiin.Jid dheer baa u dhiman oo ay wax ku qaban karaan. Hay’ada Kale ayaa Jira oo Ka shaqeeya Xuquuqda Bani’aadmiga Iyo Xalinta Khilaafaadka Xiriir ma Leedihiin Oo iskaashi Ma idiinka dhexeeyaa?? Runtii,Xiriir qoto dheer baa ka dhexeeya Hay’ada DRC Iyo Hay’adaha kale ee ku Howlahan Barnaamijyadan, Sida Hay’ada Mercycorps, aasi waxay keentay inaad Taxadart, Haddaba si aanu u Ogaano in Ninkan yahay Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee Beesha Waxaan Marnaa Hab ama Dhabooyin,waxaa ka mid ah, In waydiino Rag fara badan oo Qabiilka ka mid ah Nabadoonadooda,Beelaha la dega , Isimka Beesha Iyo Maamlka Degaanka, EEG BOGGA 7AAD Maxamed Siciid Yuusuf (Boqor) oo wakiil ka ahaa boqorka Daarood ayaa Caleemo Saaray Garaad Maxamed Aadan finniin,waxaana Munaasabadaasi ka hadlay Nabadoona, Isimo, Aqoonyahano iyo Wakiilo Isimo, dhammaantoodna waxay Garaadka ilaahay uga beryeen in u fududeeyo xilka la saaray. iyaga oo kula dardaarmay in uu ahaado mid ku tiirsan talada madaxdhaqameedyada kasoo horreyey iyo Dowladaba. Waxayna sidoo kale bulshada soo dooratay Garaadkan usoo jeediyeen in ay la shaqeeyaan oo ay maqlaan islamarkaasna go’aannadiisa qaataan. Garaad Maxamed Aadan Finniin oo Munaasaba ka hadlay ayaa ka codsaday Ummada somaliyeed meelkastooy joogaan in ay Cafiyaan, islamarkaan Garaadku waxaa uu cafiyay Ummada Soomaliyeed. waxaana uu uga mahadceliyay Marti sharaftii ka soo qayb gashay Munaasabada Caleemo-saarkiisa, Isagoo Ilaahay Hortiisa iyo Ummadaba ka ballanqaaday in uu ka shaqayn doono danta ummadda somaliyeed, isagoon ku shaqayn doonin Qabyaalada iyo Eex. Garaad Maxamed Aadan finniin waa shaqsi si weyn looga yaqaano Somalia, waana nin ganacsade ah, waxaana uu noqday Isimkii labaad ee yeeshaan Beesha Axmed Harti, waxaana Beeshu dhaqan ahaan ay lahayd Ugaas.waxaana ugu caansanaa Alle Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee Ugaas Yaasin. Guud ahaan munaasibaddan oo ahayd mid si habsami ah u qabsoontay, ayaa gabagabadii waxaa yimid Maayarka Bosaso C/risaaq Xareed iyo k/xigeenkiisa , waxayna la kulmeed Garaad iyo Madaxdhaqameeyadii Kale. AXAD 31 MAAJO 2009 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas Tifaftiraha Ilays W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la yagleelay 01 Agosto 1998-dii, hase ahaate waxaa bud dhigaideedaas ka horeeyey kulmo loogu googol xaarayey . muran kama taagna in goboladda Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug , Sool, Sanaag iyo Degmadda Buuhoodle iyagoo wada jira dhidibadda u taageen Puntland. Sidaa darted ayaan maanta dib loo noqon Karin. Talaadaddii,26 May, 2009, ayaa waxaa Gollaha Wakiiladda la hor geeyey Dastuurka Cusub ee DGPL,kaas oo ay horay u soo ansixiyeen Gollaha Xukuumadda Puntland, waxaase Muran dhaliyey Hordhaca qoraalka Dastuurka: بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم Hordhac Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto. Dawlad-Goboleedkaas cusub waxaa loo bixiyay Puntland, magacaas oo cuskan taariikh gaamurtay, macnihiisuna yahay “Dhulkii Udugga”. Haddaba Qoraalkani waa miraha dib-u-eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka, taas oo soo martay marxalado kala duwan iyo la tashiyo wax ku ool ah, si loo helo Dastuur taabagal ah ee warcelin waafi ah ka bixinaya halka ay Puntland higsaneyso, ayaga oo isku duuban dawlad iyo dadweynaba. Dastuurkan oo ay Xukuumadda Puntland ku meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan (unanimous), taariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009kii, ayaa ah nuqulka kama dambeysta ee la horgeynayo Golaha Wakiillada, si ay ayaguna uga baaraandagaan, una ansaxiyaan, dabadeedna loogu qaado afti dadweyne. Dastuurkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u 3 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA ilaa markii la unkay mashruucan, walina qayb muhiim ka ah socodka looga jiba keenayo hawshan baaxadda weyn, taas oo dhaqaale iyo farsamaba la garab taagan. Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha Federaalka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale dhaqangala, mar allaale iyo marka uu Golaha Wakiiladda Puntland ansaxiyo. Dastuurkani waxa uu ka koobanyahay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda Kala Guurka”, loolana jeedo isbadalka labada guddi doorasho, wuxuuna si gaar ah ugu saabsanyahay Guddiga Doorashada ee ku meelgaarka ah. Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiranyihiin mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda: 1.Shareecada Islaamka. 2.Nabadgalyada iyo Xasilloonida. 3.Xuquuqda Aasaasiga ah ee muwaadinka. 4.Baahinta Xukunka. 5.Maamulka Wanaagga. 6.Habka Wadatashiga. 7.Isu dheelitiridda awoodaha Dawladda: b. Golaha Xeer-Dejinta (Golaha Wakiillada). t. Golaha Fulinta (Xukuumadda). j. Golaha Garsoorka. 8.Habka Xisbiyada badan. 9.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo Suuqa Xorta ah. Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halakan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa, soona gaarsiiyay halka uu maanta marayo, asaga oo aan qabyo ahayn, balse dhammeystiran. Waxaan si gaar ah aan halakan uga mahadcelinayaa Guddigii Dastuurka, dadweynihii qaybta ka qaatay, Golaha Fulinta (Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada (Baarlamaanka). Waxaan mahad ballaaran halakan u marinayaa Hay’adda “Interpeace” oo ayadu fududeeye ka ahayd Hordhaca qoraalkan ayaan sidiisaba ka mid ahayn Dastuurka ee waa iftiiman oo keliya. Weli lama fahmin sawaxan iyo qaylo dhaanta xubnaha qaarkood ee ku wajahan diidmada Waqooyi Bari, mraka la eego Waqooyi Bari deegaanka la yiraahdo xataa waxaa soo geli kara Gobolka Togdheer. Hase ahaatee Dastuurka Qodobka Lixaad ayaa si cad u qeexay dhul ahaansha Puntland oo u qoran sidan : Qodobka 6aad 1)DHULKA IYO SOHDIMAHA. 1.Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag. 2.Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan. 3.Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland. 4.Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda. Qodobka 45aad. XISBIYADA SIYAASADEED 1.Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan. 2.Ugu badnaan toddobo (7) xisbi ayaa doorashada ugu horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa waxay noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda xeer gaar lagu soo saari doono. 3.Saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu codadka badan doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah, waana in uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol. 4.Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil. 5.Qofkii magac xisbi doorasho ku gala kuna guuleysta kursi, kadibna ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa kursigii xisbiga ee uu ku guuleystey. Sidoo kale Dastuurkan waxaa kaloo door ku leh hogaamiyayaasha Dhaqanka Qoddobka 110aad ayaa Aqoonsiga Xeer –Dhaqameedka oo ahaa kuwii dhidby Puntland, Qodobka 110aad AQOONSIGA MEEDKA • • • • • 5.Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo. Qoddobka Lixaad,Farqadiisa Shanaad ayaa qeexaysa in Dhulka Puntland Muqadas yahay , cid awood u lehna aysan jirin in la kala qaybiyo. Teeda kale Xildhibaanadda ka cabanaya hordhaca iyaga ayaa Dastuurku gacanta ugu jiraa, iyaga ayaa loo igmaday wax ka bedelistiisa iyo wax ku daristiisa, waxayna xaq u leeyihiin waxyaabihii khalad ah inay ka saaraan Dastuurka bal aan eegno Qodobka 45aad ee ka hadlaya Axsaabta • XEER-DHAQA- Dastuurku wuxuu Aqoonsanyahay Xeer-Dhaqameedka aan ka hor imaanayn Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka. Isimada la aqoonsan yahay waa heerka ugu sarreeya hoggaamiye dhaqameedka. Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhexdhexaadnimada hogaamiye dhaqameedyada, waxaa reebban in ay ka qayb qaataan ururo iyo xisbiyo siyaasadeed. Wixii muran iyo ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha, khatarna galin kara nabadgalyada beelaha, hogaamiye dhaqameedyada waxaa loogu yeerayaa in ay talo ka soo jeediyaan ama ay u helaan xal nabadeed. Go’aannada dib-u-heshiisiinta, dhexdhexaadinta, iyo heshiisyada xallinta khilaafaadka ay guddoomiyaan hoggaamiye dhaqameedyadu, iyaga oo adeegsanaya xeerarka habdhaqameedka, dhamman hay’adaha Dawladda waa inay aqoonsadaan gacanna ku siiyaan fulinta go’aannada ay gaaraan. Marka hoggaamiye dhaqameedyadu gaaraan go’aan ku saabsan xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda, waa in laga diiwaan geliyaa maxkamadda derejada koowaad ee degmada dhibaatadu ka dhacday, maxkamadduna waa inay la socotaa fulinta go’aankaas. LA SOCO CADADKA XIGA 4 QAYBTII 6AAD ILAYS NEWSPAPER/WARARKA AXAD 31 MAAJO 2009 Qiso Jacayl Oo la qoray 1989, Muqdisho, Somalia Akhiraan Ku Haystaa 100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay Xafiiska Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland D awladdu waxay ku baraarugsan tahay in ay jiraan weriyaal daabacay waxyaabo magac-iyo-sumac ridid ku ah saraakiil dawladda ah, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha qudhiisa. Dawladdu waxay rumaysan tahay in ololaha warbaahinta ee si-xun-wax-u-sheegga ah ay hurinayaan, islamarkaasna ay kharash ku bixinayaan xubno siyaasadeed oo ka soo horjeeda is-badalka uu Maamulka Cusub keenay Puntland. Mid kamid isbadalada waaweyn ayaa ah in si aad ugu dhow badalaad buuxda lagu sameeyo Golaha Wasiirada kuwaas oo aan wax is badal ah lagu samayn ilaa markii la asaasay dawlad goboleedka 1998; afar wasiir oo keliya ayaa laga reebay wasiiradii Maamulkii hore. Dawladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin ay ku asaasayso xiriir wanaagsan oo rasmi ah ee warbaahinta madaxa bannaan si loo horumariyo xirfadda wanaagsan ee qaybaha warbaahinta. Maamulka Cusub waxaa ka go’an xoojinta Wasaaradda Warfaafinta si loo xaqiijiyo in ay Dawladdu yeelato aalad warbaahineed oo shaqaynaysa, oo la socota warbaahinta madax bannaan si loo xaqiijyo xirfad wanaagga, xushmada iyo anshaxa warbaahinta. Dawladdu waxay soo jeedisay in la xoojiyo warbaahintii jirtay ee dawladdu maamusho, waxaaana u qorshaysan samaynta warbaahin gaari karta dadweynaha Puntland, si shacabka loola socodsiiyo waxyaabaha ku saabsan siyaasadda dawladda iyo dhacdooyinka kale. Dastuurka Puntland waxa uu xaqiijinayaa xornimada saxaafada, waxaana Maamulka Cusub uu xaqiijin doonaa in dastuurka, oo hadda dib-u-eegid sharciyeed lagu samaynayo, in ay ku jirto qayb xaqiijinaysa xornimada warbaahinta. Warbaahinta madax bannaan waxay u adeegtaa ayadoo ah xiriirka u dhaxeeya shacabka iyo dawladda, waxaana Maamulka Cusub uu sii wadi doonaa xoojinta xiriirka warbaahinta madax bannaan si loo asaaso bay’ad ku dhisan si xornimo u hadal, isla markaasna la dhawrayo sharciyada maxalliga, xuquuqul insaanka iyo dawlad wanaagga. NIDAAMKA DIMOQRAADIYAYNTA Maamulka Cusub waxaa ka go’an dib ueegida Dastuurka Puntland, oo ay ku xigto in dadweynuhu codkooda ka dhiibtaan. Labadaas tallaabo oo muhiimka ah waxay saldhig u noqonayaan asaasida nidaamka xisbiyada badan ka hor doorashada 2013, taas oo Puntland u ogolaan doonta in laga gudbo dhibaatada siyaasada ku dhisan qabiilka ee dawladda ka dhigay mid ku salaysan hab qabiil. Arrintaas ayadoo laga duulayo, Dawladdu waxay magacawday Wasiiru Dawlaha Nidaamka Dimoqraadiyaynta iyo Xiriirka Federaalka kaas oo si gaar ah loogu xilsaaray in uu hoggaanka u qabto nidaamka socda ee dimoqraadiyaynta. Tani waxay tusaale fiican u tahay Maamulka Cusub sida xaqiiqada ah ee ay uga go’aan tahay dhamaystirka nidaamka dimoqraadiyaynta, taas oo dadka reer Puntland ay muddo sanooyin dheer sugayeen. Doorashadii 2009 ee Puntland waxay ahayd mid taariikhi ah sababtoo ah waxay ahayd mid ka timid dadka degaanka, taas oo ahayd hab siyaasadeed is-badal dhab ah oo ku dhisan nidaam iyo kala dambayn. Sida nabad galyada ah ee xukunka ay ula kala wareegeen madaxweynihii xilka ka degayay mudane Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo ku wareejiyay madaxweynaha cusub mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxay noqotay mid si wanaagsan looga soo dhaweeyay degaanka maxalliga iyo heer beesha caalamka. Nidaamkaas sida nabadgalyada ah ee xukunka lagu wareejiyay waxa sidoo kale uu noqonayaa taariikhi iyo mucjiso marka la eego xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya, maadaama shacabka Puntland u dabaal degeen in si dimoqraadiyad ah xukunka lagula kala wareegay, waxaana madaxweynaha cusub ee Puntland lagu soo dhaweeyay si qiimo iyo xushmad leh. Dawladda cusub ee Puntland waxay garawsan tahay in xoojinta nidaamka dimoqraadiyayntu uu yahay habka keliya ee horseedaya siyaasad deggan mudada dheer iyo dhaqaale xasilloon. LA SOCO CADADKA XIGA W/Q: C/qaadir M.Wacays Q. 5AAD M aalintii uu xaajigu ka yimid sacuudiga, wuxuu isagoo aan dhowr daqiiqo jooginba dareen uu sacuudiga kala yimid uga tibix siiyey xaajiyaddii uu qabay, waxayna qolka kasoo baxday iyadoo ku qaylinaysa: gabadhaydu waxay xaq u leedahay in ninkii ay rabto lagu daro.... waa gartaa oo adigu sagaal bilood iyo sugood caloosha kuma aadan soo sidin... anigu adiguba faqri baad ahayd markii aan ku guursanayey... sacuudi aa... Xaajigu islaanta warkeeda dhegba jalaq uma uusan siinine, wuxuu haddana u yeedhay Muxibbo oo markaas guriga soo gashay, wuxuuna ku yiri; horta aabe guurku wa xalaal, gabdhuhuna guur bay u joogaan, sannadkanna gabadhii la guursadaaba ayaan leh, waxba yaan hadalka kugu badinine, waxaan kaasoo ballan qaaday wiilkii adeerkaa dhalay ee tobonka sano sucuudiga ka shaqaysaneyey. waa tan fiisadii uu kuu soo dhiibay, laba maalmood kadibna waad baxasaa ee Aabe ducaan ku raacshay.... Muxibbo markuu adoyga intaas yiri bay mursal soo xusuusatay.. oo miyey ballanta kaga bixi.. waan u sheegayaa.... maya... maya.. u sheegi maayo ee isagoon ogeyn baan iska baxayaa... horta kaalay markuu lahaa aan isasa soo mehersanno maxaan u diidayey.. dhowristii odayga ma balaayadan baa iila socotay. Muxibbo waa taaa nin ayan waligeed arag qoorta loo sudhay... oo maxay haatan ka gaartaa... Hadal waalid ma diidi karo habaar adag buu dhalaa,Haydaarta ma yeeli karo, jacaylkuna way hayaa, sow umuurtoodu kuma soo hiran... Muxibbi iyadii ayan farxadii ka muuqan, indhaheeduna ay ilmadu ka da’ayaan bay adeerkeed cumar oo qolka fadhiga ku qadeynaya u gashay, kolkaasey iyadoo aan la hadlin kursi dhiniciisa yaalay isku tuurtay. Oday cumar inta naxay buu fadhigii qaabeystay isagoo la yaaban falka yaabka leh ee uusan horay ugu arkin gabadha yar ee uu adeerka u yahay, waxaana durba dareen wadayaasha jirkiisu soo gudbiyeen waxyaabo farabadan oo wada naxdin leh. wuxuu ugu danbayn niyadda iska yiri: malaha gabadhu waxay sidaa Qabar tacsi iwm. Isagoo ay arrintaas dareenkiisu ku noqnoqneyso, muxibbana sidey qolka usoo gashay weli u aamusan buu su’aal afka ula kala qaaday, isagoo leh: adeer maxaa darnaa maanta?....waxay ugu jawaabtay waxba... su’aal kaluu haddana weydiiyay, markayse dhowr jeer ka aamustay intay hadalka iksu celin weyday bay afka furatay iyadoo leh:- aabaa isoo eryey. “ Oo Maxaad ka bi’isay” “ Ma Aqaanno” “ii sheeg Adeer Anigaa wax walboo jira daaweynayee” Muxibbo iyadoo uu hadalkaasi ku soo celiyey rajadeedii dhimatay bay adeerkeed oodda uga qaaday dhammaan wixii uurkeeda ka guuxayey. “adeerow waad iska ogtahay waqtigan waxaa jira wax dooq la yiraahdo, anigana waxaa is jeclayn illaa sannaadki.. will jaamacadda dhigta, isagaanan ku heshiiney in aan is guursanno..” “ Haddaasna maxaa soo kordhay...?.. Iyadoo indhaeedu ilmadu ka daadanayaan bay la soo beeday: wuxuu aabe iila yimid, hooyana inkastoo ay markii hoire diidanayd, haddana markii dambe ku raacday nin ay iyagu wataan oo la yiri dalka sucuudiguu deggan yahay; wuuna inaga kaasoo doontay” “ Adigu ma u sheegtay in aad la socoto wiil kaloo ku guursan raba” “ Markaan hadalkaas afka la kala qaaday bay hooyo igu aamusisay iyadoo leh kaan rabno mooye mid kale niyadda ka saar” LA SOCO CADADKA XIGA AXAD 31 MAAJO 2009 FEDERAALKU WAA QAAB XUKUN ISLAMI AH!! Qore: Idiris Shire Xussain e-mail: [email protected] Qaab Xukunka Aadanuhu Dhaqangeliyey illa Wakhtigan Xaadirka: K utubta ku takhassustay Cilmiga Siyaasadda (Political Science), waxaa ku qeexan halka uu ka soo unkamay qaab xukun kasta & dhaqan-dhaqaalihiisa siyaasadeed ee aadanuhu isku xukumay ilaa maanta, intuu ka gartay baahida uu qabo inuu abuuro qaab xukun uu noloshiisa ku maamulo hormarna ku gaadho. Si aan ugu kuurgalno yoolkaan ka leenahay baadhitaankan kooban, waa inaynu gadaal ugu jaleecno qaab xukunadii xadaaradihii qadiimiga ahaa ee caanbaxay oo raadkoodi wax laga hayo, sida Xadaaradii Faraaciinta Masar, Greega (Athens), Baabil (Ciraaq), Shiinaha, Yemen, Hindya, Embradooriyaddii Faaris, Embradooriyaddii Rome (Roman Empire), waxayna dhamaantood ahayeen boqortooyooyin soo jireen ah, qaab maamulkooduna uu ahaa qaabka loo yaqaan (Dawlad Dhexe - Central Government), goobta uu xaakinku ama boqorku joogo bay taladu & go’aankuba oollaan jireen. Xadaaradda Greega (Athens) iyaduna qaab xukunkeedu wuxuu isna ahaa (Dawlad Dhexe), laakiin waxay xadaaradaha dhigeeda ah kaga duwaneyd, waxay lahaan jireen (Barlamaan – Congress) xubnihiisana waxaa laga soo xuli jirey maalqabeenka & waxgaradka magaalada (Athens), qofka reer (Athens) waxaa la odhanjirey (Muwaadin - Citizen) wuxuuna lahaa xuquuq madani ah oo aanay lahaan jirin ummadaha ay xukumijireen xadaaradaha kale oo dadkooda loo yiqiin (Raciyad – Subjects) mana lahaan jirin wax xuquuq madani ah oo sharciyaysan haba yaraate! Haddaan u soo gudubno xadaradihi ka dambaayey, kuwa aan kore ku xusnay, sida Xadaaradii Dawladdii Islaamka, Xadaaradda Yurub, Maraykanka, Kanada ama guud ahaanba Xadaaradda Reer Galbeedka (The Western Civilizatiion). Tariikh qorayaasha Yurub caanka ka ah, sida (Arnold Twinby) oo ah mufakkir & tariikhyahan kuna takhassusay cilmibaadhista la xidhiidha Xadaaradaha & Diimaha Bariga, issaga & kuwa kaleba, waxay qirayaan in ilbaxnimada maanta ka jirta Qaaradda Yurub, illa haddana soconaysa ku dhowaad 500 oo sano laga bilaabo Qarnigii 1700, inay assalahaan ka soo jeeddo ilbaxnimadii, aqoontii & cilmigii ay ka dhaxashay 5 Wax Yaalaha Naftu Jeceshahay Oo lagu Galo Naarta. ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA Xadaaraddii Dawladdii Islaamku u soo gudbisay Yurub xiligii Dawladii Islaamku ka talinjirtey (Andalus – The Iberian Penninsula), muddo u dhow 400 oo sano, Yurubna xilligaas, wixii ka horeeyey qarnigii 1700, waxay ku jirtey marxalad loo yaqaan (The Dark Ages - Qarniyada Gudcurka)! Tariikhda Qaanuunka Faransiiska Tusaale ahaan, qaanuunka hadda adduunka looga yaqaan (Qaanuunka Faransiiska) loona aqoonsanyahay inuu yahay (Aabbaha Qawaniinta Casriga), waxaa intiisa badan sal u ah Fiqhiga Mad-habka Sunniga ah ee Imaam Abu Xaniifa Al-Nucmaan ahna Imaamka 1aad ee affarta madhab ee Sunniga ah. Imaamku Dalka Faransiiska ma tegin, lakiin kutubtiisa waxa Dalka Faransiiska geeyey Emperor Napleon Bonapert markuu ku duuley Dalka Masar xoogna ku qabsaday 1798 uuna haystey illa 1881, xiligaas buu kutubtii Imaamka ka XADAY xarunta Al-Azhar Al-Shariif una raray dalkiisa si Af-Faransiis loogu turgumo kadibna waxaa lagu saleeyey 70% waxa hadda adduunka aad looga xushmeeyo loona yaqaan aabbaha qawaniinta! Wakhtigan xaadirka ah ee aynnu joogno, hishiis kasta oo caalami ah marka maxkamadaha la horkeeno waxa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda amba koobiga Af-Faransiiska ku dhigan, sidoo kalena Go’aamada Qaramada Midoobay, waxaa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda Af-Faransiiska ku qoran hadii turjumadda afafka kale ku qoran laysku maandhaafo! Emperor Napleon Bonapert, qoraalka qanuunkaas, magac & maamuus weyn buu tariikhda u diwaan geliyey. Lakiin Imaamkii uu kutubtiisa soo xaday adduunka aad loogama yaqaan! Adduunkaba iska dhaafoo, Ummadda Islaamka, ee xuquuqda kutubtaas iska leh, dad yar baa ka warqaba fadliga uu Imaamku ku leeyahay shuruucda maanta adduunka lagu xukumo dalal badan oo aan Islaam ahayn! Haddaba waxaanay dood badani ka taagnayn, in dhamman qawaaniinta ka hirgashay dalalka loo yaqaan Ummadaha Ilbaxa ah (The Civilized Nations in the Western Hemispher), goobkasta adduunka ha kaga nooladeen & kuwa iyaga higgsanaya oo ay tussalaha u yihiin, qawaaniinta ay isku xukumaan waxaa iyana sal u ah (Qanuunka Faransiiska)! LA SOCO AXADE DAMBE W/Q Sh. C/qani M. calixagaa Qardhaawi [email protected] Minneapolis, MN USA Q ofka muslimka ahi wuxuu had iyo goor dagaal kula jiraa waxyaalaha naftu jecelshahay oo loo yaqaan “shahawaad” , waxyaalahaas oo nafta u keena in ay ku mutaysato ciqaabka allaah, dagaalkaa ay naftu kul jirto shahawaadka in badan oo dadka ka mid ah waa looga adkaadaa in yar ayaa ku guulaysata dagaalka ay kula jirto shahawaadkeeda. Nabigu (scw) wuxuu yiri {Naarta waxaa laga heeraaray waxyaalaha naftu jeceshahay, Janadana waxaa lagu heeraaray waxyaalaha naftu dhibsato} xadiithkan macnihiisu waa haddii ay naftu raacdo wax kasta oo ay jeceshahay waxay qofka u gaynaysaa in ay cadaabka gasho, haddiise naftu ay qabato waxyaalaha ay necebtahay sida (habeenkii aad toosto xilliga ay hurdadu u fiican tahay, salaadda subax oo aad toosto waliba aad masaajidka soo aado, xoolaha aad jeceshahay oo aad zako ka bixiso, iwm) waxay naftu u gaysaa in ay janno gasho. Shaydaanka ayaa had iyo goor nafta u qurxiya waxyaalaha lagu muto cadaabka, naftana jecliisiiya. Dadkii salafkii waxay nooga digeen in la raaco shahwaadka ay naftu jeceshahay, waxaa laga hayaa nin ka mid culumadii hore Yaxye ibnu Mucaad in uu yiri - qofkii xubnihiisa uga raali noqda inay ku raaxaystaan waxkasta ay jecelyihiin ha ogaado qofkaasi wuxuu beertay geed uu hadhow ka qoomameeyo. Allaah (sw) isagoo dhaleecaynay waxyaalo badan oo ay naftu jeceshahay wuxuu yiri {Dadka waxaa loo qurxiyay in ay jeclaadaan wax kasta oo naftu jeceshahay sida Haweenka, Caruurta, Lacagta, Dahabka,qalinka, Fardaha la carbiyey, iyo Beeraha arintkaasi waa dhaldhalaal aduun, ilaahay agtiisa ayaa waxaa ah meel la joogo oo wanaagsan---alcimran}. Nabigu wuxuu xadiith ku yiri (Kama tagin gadaashayda fidno ragga uga daran haweenka), wuxuu nabigu isagoo la hadlaya ragga yiri (ka dhowrsada dumarka wixii u horeeyey ee reer baniiisraa’iil lagu fidneeyey waxay ahayd haweenka). Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid shahwada sida zinada wuxuu nabigu ka waramay in mar ay wada socdeen Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex cadaabayo weel sida tiinaarka muufada lagu dubo oo kale ama Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid shahwada sida zinada wuxuu nabigu ka waramay in mar ay wada so deen Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex cadaabayo weel sida tiinaarka muufada lagu dubo oo kale ama qaabka ashuunka oo kale leh, nabigu wuxuu yiri waxaan maqalnay qaylo iyo buuq waxaan fiirinay tiinaarkii mise waxaa ku jira rag iyo dumar qaaqaawan, olol ayaa xagga hoose kaga ka soo qaadaya ilaa uu keeno halka u saraysa, Jibriil ayaan waydiiyey kuwani maxay yihiin?, Jibriil wuxuu kujawaabay waa ragga iyo dumarka sinaysta waxaa lagu cadaabayaa qabriga saas ayay ahaanayaan ilaa laga soo bixiyo qabriga maalinta qiyaame). Mar kasta oo naftu raacdo waxay ay jeceshahay, u sii dhiibaysaa mid kale ilaa ay qofkii halaagto, shaydaankuna waa ku dhaartay in uu ummadda baadiyaynayo meel kastan uu u marayo sidii uu xaqa uga leexin lahaa. Allaah (sw) isagoo ka waramaya wuxuu yiri (shaydaanka(ibliis) ayaa wuxuu yiri {ilaahaw sida aad ii baadiyaysay ayaan aniguna adoomadaada ayaan u qurxinayaa aduunka waana baadiyaynayaa dhamaan}in taa kuma harine wuxuu noo sheegay in uu sii wadaayo baadiyaynta wuxuuna yiri: {dabadeedna waxaan uga imaanayaa hore, gadaal, midig iyo bidix intooda badana ma helaysid inay kugu shugriyaan- Acraaf). Shahwada ama balwadda oo ay naftu raacdaa waxay keentaa in ay khaatumadiisu xumaato nabigu wuxuu yiri (qofku sida uu camal ugu jiro ayaa waxaa ka hor mara kitaab loo qoray markaas ayuu naarta gala).Habeen ayaa waxaa tukanayay Sufyaan athowri wuxuu bilaabay inuu ooyo ilaa uu waagii ka baryay, waxaa u yimi dadkii dariska ahaa waxay waydiiyeen ma waxaad la ooyday dambigaaga oo aad ka baqaysid mise wax kale? Wuxuu ku jawaabay dambiga kama ooyin ee waxaan ka ooayay in ay khaatumadaydu xumaato. Qofku had iyo goor inuu ku xirnaado waxa ay naftu jeceshahay isuna dhiibo balwadiisa waxay keenta in qofka camalkiisu buro oo uu khaatumo xumo ku dhinto. LA SOCO CADADKA XIGA AXAD 31 MAAJO 2009 DAGAALKII OGAADEENYA W/Q:- Dr. Saadiq Eenow M engistu wuxuu isku deyayay in uu ka faa´iideysto xaaladda cakiran oo uu marin duwo howlaha golaha, si uu isaga u dhaxlo miraha kacaanka. Markastana wuxuu ku andacoonayay, waxa uu ku kacayo in ay tahay mid uu shacabku raali ka yahay. Wuxuu tilmaamayay in geedisocodka kacaanka uu noqonayo mid dhicis ah haddii guddi-hoosaadku uusan caynkan u shaqeyn. Mengistu Xayle iyo kooxdiisii, waxay bilaabeen in ay xabsiyada kala baxaan dad maxaabiis ah oo ay mid-mid u toogtaan, iyada oo uusan goluhu ogeyn sababta ay dadkaasi ku muteysteen in la laayo. Dad boqol ka badan oo ay laayeen, ayaa 59 kamid ah waxay ahaayeen eheladii boqorka, xubnihii barlamaankiisa iyo saraakiishii yar-yaraa. Xasuuqaas waxaa goob-joog ka ahaa Dhamme Mikael Gebrenegus, kaas oo ahaa qareen ka tirsanaa ciidamada biliiska. Markii Goluhu uu Mengistu su´aalay sababta uu dadkaasi u hor keeni waayay maxkamad, wuxuu ku jawaabay in ay lagama maarmaan tahay in marka hore qaar laga laayo dadka la maleynayo in ay ka hor imanayaan kacaanka. Waxaa la xiray nin kasta oo magac ku lahaa maamulkii boqortooyada. Dalkiina waxaa u bilaabatay taariikh cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas oo ka miisaan culus dulmigii iyo argagixiskii yiil xilligii maamulkii boqorka. Kacaankii ku bilowday hal ku dhegyadii ahaa (dhiig la´aan dhiig la´aan) wuxuu isu beddelay kacaan dooxato ah. Sidaas baa waxaa ku dhalan rogmay dabiicaddii ay ku dhismeen golihii ciidamada oo ujeeddadoodu ahayd in ay dalka ka badbaadiyaan dhibaatooyinka uu ku sugnaa, si nabadeyn ahna ay xal ugu raadiyaan. 20/ 12- 1974-kii ayuu golihii wuxuu guddoonsaday in uu ku baaqo bayaankii ahaa in ay dalka ku dhaqayaan nadaamka Hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada-Liininiyada ah. Jeneraal Tafari Banti oo ahaa guddoomiyihii golaha ee ka dambeeyey Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka dad-weynaha uga magac weynaa Mengistu, waayo Mengistu wuxuu ahaa nin firfircoon oo geesi ah. Kartidiisa iyo dadaalka uu halgankan u galay baa wexey keentay in uu noqdo nin calaamad u´ah halgankii ardeyda. Mengistu iyo kooxdiisa si naxariis darro ah u laynayeen haraagii nadaamkii boqorka iyo saraakiisha ay tuhmayeen in ay caqabad ku noqonayaan howlahaada. Xilligaas waxaa socday bannaan-baxyo ballaaran, kaas oo ardadu ay ku taageerayeen go´aanka ay ciidamadu 6 ILAYS NEWSPAPER/XAYAYSIIN Mengistu Xayle Mariam kula wareegeen talada dalka. Ardeydaasi waxaa halhees u ahaa oo ay ku dhawaaqayeen (Viva Mengistu). Mengistu wuxuu xilligaas golaha ka´ahaa kuxigeen. 3/ 2- 1976-kii ayaa fadhi uu taliskii goluhu ku lahaa aqalka la yiraahdo Menilik, ayaa Mengistu iyo intii raacsanayd si kedis ah fadhigii uga kaceen dabadeedna ay dibadda u baxeen. Waxaa xigay ciidamadii Mengistu ilaalada u ahaa oo hubkoodii la soo galay qolkii ay saraakiishu fadhiyeen, dabadeed halkaas ayaa lagu laayay dhammaan saraakiishii xubnaha ka´ahaa golahii badbaadada Itoobiya. Ciidamada wax laayay waxaa hoggaaminayay sarkaal dhallinyar oo la yiraahdo Daniel Asfaw. Saraakiisha halkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa guddoomiyihii golaha badbaadad Itoobiya Jeneraal Tafari Banti. Maalintaas maantii xigtay ayaa Daniel Asfaw waxaa weeraray ciidan raacsanaa Jeneraal Tafari. Markuu arkay in uusan baxsanayn ayuu qorigiisii isku dilay. Sidaas buu Mengistu ku noqday guddoomiyihii u soo haray madaxtinimada golihii saraakiisha ee badbaadinayay Itoobiya. 4/ 2- 1976-kii, golihii wuxuu ku dhawaaqay in Gaashaanle/Dhexe Mengistu Xayle Mariam uu yahay madaxa siyaasadda Itoobiya. Andrei Ivanov oo ah nin Ruusha, diraasaadna ku sameeyay dagaalkii 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu xusay in boqor Xayle Salaisse oo nool ay dowladda Ruushka u sheegtay madaxweynihii Soomaaliya, in ay Mengistu la rabaan in uu madaxweyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei Ivanov wuxuu yiri : “ Waxaa isweydiin leh, Maxamad Siyaad hadduu sidaas u ogaa, muxuu Mengistu ugu qaaday dagaalka ? “. (Waxaan ka soo xiganay Proff. Cabdullaahi Jaamac oo macallin ka ah Lamumba University Moscow. 2/ 7- 2000) Saraakiishii hoggaaminayay kacaankii Itoobiya, xilliga ay dadkooda Isku Dayga Talyaaniga Ee Dib U Heshiinta Somalida ILAYS/NAIROBI xasuuqayeen, kacaanka Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid uga agab iyo arxan roonaa dadkiisa. Waxaa jiray arimo kacaanka Soomaalida gacan ku siiyay xasilloonidii wanaagsanayd ee uu dalku ku sugnaa bilowgii maamulkiisa. Arimahaas kuwooda ugu milga cuslaa waxay ahaayeen mashaariic dalka laga fuliyay oo isugu jirey kuwo lagu hor marinayo dhaqaalaha iyo kuwo dhisme-hoosaad ah oo dowladaha deeqda bixiya ay horay ugu deeqeen dowladdii rayidka ahayd. Waxaa arinkaa weheliyay dhallinyaro boqollaal ah, oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii, dalka ku soo laabtay kadib markii ay waxbarasho ku soo dhameysteen dalal shisheeye. Dhallinyaradaas oo ahaa kuwo hanaqaaday xilligii gobanimodoonka ayaa badankoodu waxay ahaayeen kuwo ku ababisnaa waddaniyad aanan barax lahayn. Markii ay gacanta ku dhigeen mashaariicdii dalka ka socday, waxaa u suurogashay in badankoodu ay si hufan u fuliyaan howlihii loo xil saaray ee la xiriiray hor u marinta dalka. Arrimahaasi waxay sababeen in saraakiishii kacaanka Soomaaliyeed ay ka badbaadaan mucaarado ku soo deg-degta dowladdii ay dhiseen. Inkasta oo badankood eeyan xabsiyada ku daahin, misana odeyaashii siyaasiyiinta ahaa ee xilka ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa, dhamaantood xabsiga ayaa ladhigay. Qaar kamid ah raggaas, markii la soo daayay, dalka dibaddiisa ayay u baxsadeen. Waxaa kale oo jiray odeyaal uu hoggaamiyihii kacaanka si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka dhoofaan si aanan loo dhibaatayn. Waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo Cali Barre Jaamac (Ciddi Libaax). Waxaa shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo xilal ka hayay mu´asasaadka dowladda, dabadeed waxaa halkoodii lagu buuxiyay dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin lagu xushay kacaannimo. Ciidamada qudhooda kama eeyan badbaadin siyaasaddii fara-gelinta ee lagu shaandheynayay masuuliintii wax ka hoggaaminayay mu’asasaddii ciidanka. Baraarug la’aanta shacabka ayaa waxay abuurtay jawi xasillooni iyo nabad buuxda oo aysan wax fadqalalo ah wehelin. Shacbiga Soomaaliyeed intiisa badan wuxuu ku qancay siyaasaddii kacaanka. Wax dowladda mucaarad ku ah oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo ay ka mid ahaayeen in lala wareego oo dhamaan ilihii dhaqaalaha oo ay dadka shisheeyaha ah lahaayeen, W arar xoogan oo diblamaasiyadeed, kana soo baxaya Safaradda Talyaaniga ee Nairobi ayaa waxay sheegayaan in Dawlada Talyaanigu isku dayayso inay casumaad u fidiso dhinacyadda Soomaalida ee ku dagaalamaya Muqdisho iyo Konfurta Soomaaliya , wararkan ayaa ah kuwa lagu kalsoonaan karo marka la eego sida Dawladda Talyaanigu ugu lug leedahay arrimaha Soomaaliya waqtiyadan dambe. Talyaaniga ayaa ahaa Wadankii gumaysanayey Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu ad ugu lug lahaa siyaadda Soomaaliya tan iyo waqtigii xornimadda ay heshay 1960-kii. Kooxaha la casumay waxaa ka mid noqonaya garabka uu hogaamiyo Sheikh Xasan Dahir Aweys oo dhowaan loo doortay inuu hogaamiya Xisbul Islaam, ma cada in lagu casumay Xaraka Diimeedka Al-Shabab kulanka Roma ka dhici doona bartamaha June, 2009. Warar hoose waxay sheegayaan inuu Sheikh Xasan Dahir aqbalay ka qaybgalka Shirkaas Roma, balse uu u diri doono ka qaybgalka shirkaas xubno uu ku kalsoon yahay waxaa sidoo kale iyana dhinaceeda ka soo dhoweysay Dawladda uu hogaamiyo Sheikh Shariif , saansaanta wada hadaladan ayaa waxay u egtahay dib u heshiisiin Talyaanigu u samynayo labadii garab ee Dib u Xoraynta Soomaaliya oo ku kala qaybsamay heshiiskii Jabuuti. Safiirka Talyaaniga ee Nairobi ayaa la sheegayaa inuu kulamo kala duwan kula qaatay Nairobi siyaasiyiin badan oo Soomali ah, gaar ahaan kuwa u dhashay goboladda Bay iyo Bakool, isagoo kala hadlay sida loo xoojin lahaa Nidaamka Federaalka Soomaaliyana nabad looga aslaaxin lahaa. Talyaaniga ayaa qaba inaan Soomaaliya kooxina koox kale kaga adkaan kari dagaalka, sidaa darteed wax walba lagu dhameeyo wada hadalo. Dawladda Talyaaniga ayaa ka soo horjeeda in Soomaalida la isku hubeeyo, gaar ahan wadamadda deriska ee danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya, kuwaas dal walbi tageero dhinac walba ah siinayo kooxaha la xulafada ah. Waxayna dabada ka riixaysaa in Liiska Argagixisadda laga saaro xubno uu ku jiro Xasan Dahir Aweys, Xasan Cabdulaahi Turki, Mukhtaar Roobow. Iyo gebi ahaanba Al-Shabaab. Lama hubo inuu guulays doono shirka dawladda Talyaanigu dabada ka riixayso ee la doonayo in lagu so oaf jaro colaada waqtigan ka aloosan Soomaaliya. 7 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA FALLANQAYNTA CAYAARAHA Mohamed Farah oo rikoor cusub dhigay Xigasho: Cayaaraha M ohamed Farah ayaa jabiyay rikoorkii oradka 10 Km ee lagu qabtey maalinimadii Isniinta taariikhduna ahayd 25 May 2009 magaalada London ,markii uu ku orday xawaare aad u sareeya oo uu kaga gudbay Line xariga 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi. Mohemed Farah waa 26 jir u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana degan Galbeedka magaalada London kana tirsan ciyaaryahanada u orda xulka dalka Britain, ciyaaryahankaan ayaa lasoo baxay wixii ka dambeeyay ciyaarihii Olympicada firfircooni dheeri ah guulo cusub, kuwaasoo uu ku dhigay rikooro cusub. Oradka 3000M ee European indoorka waxay u dhigay rikoor cusub bishii Maaro 2009, hadana oradka Marathonka 10KM waxa u dhigay rikoor kale oo cusub, Mo Farah ayaa ku jabiyay rikoorkii oradkan Marathonka London oo uu hore u haystey ciyaaryahan u dhashay dalka Britain Mark Scruton wax ka yar 5 second. Run ahaantii waan ogaa in dhismaha jirkaygu uu ahaa mid diyaarsan,waxaana rabay inaa ku guulaysto,isla markaana ku soo xiro 28 daqiiqo jabiyana British rikoorka si aan guno ugu qaato guusha rikoorka cusub’’ ayuu Mohamed Farah yiri isagoo ku faraxsan guusha oradka 10.000m London Road race. Mohamed Farah oo ku orday 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriq kuna guulaystey oradka London kana galay kaalinta 1aad halka kaalinta 2aad u galay ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya lana yiraahdo Samuel Kosgei, kaalinta 3aad waxaa galay isna ciyaaryahan u dhashay dalka Ukrain lana yiraahdo Sergiy Lebid. Guusha Mo Farah ee London iyo Rikoorkiisa cusub ayaa lagu soo bandhigay Jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriiska guud ahaan, nasiib xumo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London oo lagu qiyaasay wax ka badan 100.000 oo qof ayaanan ka qayb galin ama u soo daawasho tagin halyeey Mohamed Farah guushiisa,inkastoo ay iskugu hambalyaynayeen guusha Mo Farah markii ay jaraaidka ka aqristeen maalinimadii Talaadada. Mohamed Farah oo jaraa’idka Metro la hadlayay markii uu soo afjarey guushii oradka 10KM London ee uu ku jabiyay British Rikoorka ayaa yiri sidatan ‘’ Mohamed Farah ayaa ka qayb galaya bisha soo socoto ciyaaraha oradada lagu qaban doono dalka Germany gaar ahaan magaalada Berlin hadii Eebe idmo. Bidix :-Maryal Mursal Oo Jeeni Qarana Calanka Maamulka Somaliland iyo Saado Cali Warsame oo Ku Labisan Calanka Ummadda Somaliyeed AXAD 31 MAAJO 2009 KA YIMID BOGGA 2AAD WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED TMarkaa, Ilaa Xad waxaa helnaa Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee Beesha.Waxaad helaysaa Qof la’isku waafaqsan yahay ama qof aan la’isku waafaqsanayn,Sidaas ooy tahay ayaanu Haddana iska ilaalinaa, Bal intii aad Wax isku dhowdhownaa, Marka qaarkood Shirarka aanu qabanayno waxaan u baahanaa 50 Nabadoon, waxaana gobolka Jooga 100 nabadoon oo run, Jifooyinka Hoose qaarkood 4 Nabadoon ayey leeyihiin, waxaan ka soo qaadanaa Labada Nabadoon ee ugu waaweyn, oo markaas ku qancino kuwa kale in ay u daayaan. Rag farabadan oo Macquul ah ayaa jira oo ku oranaya Hebel ayaan u daayey. Dariiqooyinkaas ama Nidaamyadaas ayaanu raacnaa marka aanu soo xulayno ama soo Mookhalayno. Yoolkiinu Ma Nabadoonadoo Keliya Mise Isimaduna Iyo Cuqaashuna way ku jiraan??? Barnaamijkeenu waqtigan Yoolkiisu waa nabadoonada oo aanan weli ka soo bixin oo aanu gaari laanahay, Gobolada oo dhan ayaanu soo Marnay, Mudug, Nugaal, Bari,Sool, Sanaag Iyo Cayn.waxaana noo dhiman gobolka Karkaar oo dhawaan aanu ka qaban doono, waxaanu doonaynaa in aanu ka soo Xulno Nabadoono Gobol kasta,Kuwaasoo metalaya Nabadoonadii kale, Ka dibna aanu u qabano shirweyne Guud, Markaasna meel ayay soo gaarayaan. waxay kaloo ka hadlaan Fakinta, Qarinta iyo Garab siinta Qofka dhagar qabaha ah oo Dadka kibirka ku dila, Runtiina Qaraaraad ayay dhamaan Nabadoona Goboladu ka gaareen, Fulin uun bay u baahnaayeen, oo Baaqyadaas la ururiyo Ka Dibna Barlamaanka la Horgeeyo oo sharci qaanuuniya laga soo saaro. Waxay kaloo ka doodaan Ilaalinta Degaanka (Dhirta la Gubayo, Ugaarta, jariifka Badaha iyo sumaynta), Ilaalinta Danta Caamka (Isbitaalada,dugsiyada, Hantida Dowlada, Wadooyinka, Dekadaha iyo Gegooyinka diyaaradaha IWM) Iyo Sidii Dowlada Iyo Nabadoonadu u wada shaqayn lahaayeen, waxay kaloo ka hadlaan Dumaasha Ama Xigsiisinka oo ah xuquuqda Insaanka oo somalidu Taqaano oo aan ahayn tii Reer Galbeedka, Agoonta Iyo Haweenka in la daryeelo oo wax la baro ayey ka hadlaan, Runtiina Mowduuc kasta oo ay ka doodaan waxay ka gaaraan Go’aan .Waxaad sheegtay Hanti badan iyo Caqli badan ay Ceegaagan Maskaxda Nabadoonada Sidee bay kula tahay In Jiilka Dambe Loogu Gudbin karo? Marka hore waxaan u baahan nahay,Bulshada Reer P/land, Hoos markaan ka soo bilaabo ,Ardayga Dugisga Sare Iyo Jaamacada dhigtaa waa in uu bartaa dhaqankiisa ,dhaqanka Somaliga, Xigmadoodii,Gabayadii, Murtidii Iyo wax kasta oo Somalidu ay ahayd Raga Xanbaarsan waa Nabadoonada , waxaan kaloo soo jeedin lahaa in Dowlada P/land u samayso Nidaam iyo Barnaamijyo looga Faa’iidaysto oo Talooyinka looga qaato, Door Muuqda ayey ku leeyihiin Bulshada, Mana dareemayo in ay Ajnebi ka yihiin Noloshayada. Balse wax kaabaya Noloshayada, Siyaasadii,Amaankii , dhaqaalihii Iyo guud ahaan Arrimihii Bulshada. waxay iska kaalmaynaa Wadaagida Xogta, Haddii loo baahdo Wixii talooyin ah way iswaydaarsadaan. Mercycorps waxay ka shaqaysaa Xalinta khilaafaadka (conflict Resolotion) oo Meelo gaar ah ayey ka shaqeeyaan oo ay Xadideen ooy aadeen.laakiin guud ahaan Nabadoonada in la kulmiyo oo la ay xeerarkii Somalida u soo bandhigaan oo ay yiraadaan waar Xeerarkii Hore ee Somalida Maxaa ka Saxnaa , Maxaa ka khaldanaa , Maxaa Hadda Xeer cusub noqon kara oo lagu dhaqmi karaa, Badanaa dhinacaas ka Aadaan. Waxaa kaloo jira Hay’ad Wadani ah oo la yiraahdo PDRC oo door fiican ku leh, oo Dad badan ayey shirisay laakiin waxay xooga saartay dhanka Daraasaadka iyo Baaritaanka. Goorma ayaad soo gababeenaysaan shirarkan Isdabasocda aad Nabadoonada u qabtaan? Diyaar ayaan u nahay , Inta ay Nabadoonadu Doonayaan in qabsadaan shirar Noocaan oo kale ah, Hadda Bosaso, Garoowe Iyo Magaalooyin kale guryihii ay shirarka ku qabsan lahaayeen DRC ahaan waa naga Diyaar. Gaalkacayo Nabadoonadu inta ay is kaashadeen ayey Ilaa Bandiiradley Qaadeen Isbaarooyinkii Iyo Jidgooyooyinkii yaalay, Haddii ay isfahmaan, Insha’alaah Sanadka soo socda ayaan u dhisidoonaa Guri HORYAAL PRINTING CENTER ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY JOWLE ENTERPRISES Office Stationery [email protected] Electronics and Satellite Digiitals Office furnitures Renting Cars % For Selling Buugta Akhriska Buugta Iibka & Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO & QIIME KURAALI GALIYA Wixii faahfaahin ah kala xiriir Tell :- 824299/796169/726169 BOSASO SOMALIA For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724
Similar documents
Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:[email protected] Ilays designer Omar Said moh’ed
More informationilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
More informationUBS PACE Alternative Strategies Investments Class
PACE International Equity Investments Class P UBS U.S. Allocation Fund Class A UBS U.S. Allocation Fund Class C UBS U.S. Allocation Fund Class P PACE International Emerging Markets Equity Investmen...
More information2 - Dalkajournal.com
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo isla qorshey...
More information