My Social Care Support - Somali version

Transcription

My Social Care Support - Somali version
Taageeradayda
Daryeelka Bulsho
(My Social Care Support)
Hagaha Macaamiishaaling
Daryeelka Bulshadadda
Dadka waa wayn gudaha
Ealing
Madax banaani, caafimaad
iyo fayo qab
Adeegyada Dadka waa wayn
Tusmadda
Cutubka 1
Cutubka 2
Cutubka 3
Cutubka 4
Cutubka 5
Cutubka 6
Cutubka 7
Cutubka 8
Cutubka 9
Ku saabsan Daryeelka Bulshadadda Dadka
waa wayn
4
Macluumaad iyo Waano
5
Ka hortaga, yaraynta iyo daahinta
baahida daryeelka iyo taageero
10
Qiimaynta Bahiyaha Daryeelka Bulshadda
13
U qalmida
16
Bixinta lacagta daryeelkayga iyo taageero
21
Daryeelkayga iyo Qorshaha Taageerada 25
Dib u eegidayda
29
Waa maay xadka miisaaniyada kharashka daryeelku? 31
Xidhiidhada Faa’iidada leh
32
Haddii luqadda Ingiriiigu aanay ahayn luqaddaada koowaad 34
Cutubka 1
Daryeelka Bulshadadda Dadka waa wayn
Ujeedadayada ugu muhiimsan waa in aanu kaa caawino in aad ku joogto madax banaani,
badbaado iyo samaan ilaa inta dheer ee suuragalka ah. Adeegyadadu waxay xoogaa
saaraan ka hortaga, yaraynta iyo daahinta baahida daryeelka aad ka rasmiga u ah iyo
taageero. Waxaanu aqoonanahay in qof kastaaba ay leeyihiin baahiyahooda iyo
duruufaha, oo waanu la shaqayn doonaa si loogu qaabeeyo nooca adeegyada ay u
baahanyihiin.
Waxaanu rumaysanahay in habkan uu caawiyo dadka in ay ku noolaadaan guriyahooda
iyagoo ay ku xeeranyihiin saaxiibo, qoys iyo bulshadda maxaliga ah, oo daahinaya
baahida daryeel dheeraad ah oo rasmi ah.
Waanu ku caawin karnaa haddii aad u qalanto daryeelka bulshadda ama haddii kaleba.
Adeegyadayada waxay beegsadaan in ay dadka ka taageeraan nolol maalmeedkooda
labbadaba in ay hourmariyaan fayo qabka jidhka, maskaxda iyo caadifada.
Haddii aad u qalanto taageero, waxaanu kaa caawin doonaa in aad dhisto qorshahaaga
daryeelka, aanu sharaxno waxa aanu kaa maalgelin karno, iyo waxa aad bixin doonto
iyaddoo ku salaysan duruufaha. Haddii aad rabto waxa aad waydiin kartaa xubinta
qoyska ee la aaminsanyahay ama saaxiibku in uu ku caawiyo. Xaaladaha qaar, waxaan
habbayn karnaa Qareen Madax banaan in uu ku caawiyo.
Haddii aanad u qalmin taageero ama aad si fudud ugu baahantahay macluumaad iyo
waano, waxaanu kula xidhiidhsiin karnaa adeeg bixiyayaasha adeegyo taageero oo kala
duwan ku leh dhammaan Ealing. Sidoo kale waxaanu ku siin karnaa waano ku saaban oo
ku gaynaysa qorshahaaga oo helnaa hawlo maxali ah. Mar marka qaar, tani waxay noqon
kartaa qayb yar oo qalab ah oo yaal guriga ama waanu ku saabsan helitaanka dheefaha
saxda ah.
Waxaanu u dejinaynaa heerar sare tayada iyo doorashada taageerada iyo adeegyada
daryeelka la heli karo. Waxaanu la shaqaynaa shuraakadayada si aanu u hubino in loo
gudbiyay meesha saxa ah, wakhtiga saxda ah, shaqaale tababaran oo ku habboon.
Kuwa aan iskaashiga la samayno waxaa ka mid ah: NHS, adeeg bixiyayaasha daryeelka
bulshada gudaha iyo qaran, iyo Guddida Tayada Daryeelka.
Waxaanu tixgelin doonaa sharaftaada, iyo waxaanu hormood ka noqon adeegyada loo
gudbiyo si badbaado leh
Hagahan waxa uu ku dhex marinayaa tallabooyinka muhiimka ah ee helidaada daryeelka
saxda ah iyo taagerada.
Cutubka 2
Macluumaadka iyo Waanada
Tallaabada koowaad ee dhanka ogaanshaha adeegyadaydada iyo waxay yihiin nooyada
taageerada aad uqalanto waa in aad la xidhiidho Xaruntayada Xidhiidhka Daryeelka
Bulsho. Waxay kaa caawin karaa jawaabaha su’aalaha guud, ku siiyaan waanada
daryeelka iyo taageerada oo waxay kuu sheegaan meesha laga helo macluumaadka ku
saaban ururada maxaliga iyo adeegyada gudaha Ealing. Waxaad kula soo xidhiidhi
kartaa telefoon ama iimayl.
Haddii aad u baahan tahay mid aad u dhammaystiran ama macluumaadka mid
takhasus leh ama waano, waxaanu ku siin karnaa faahfaahinta xidhiidhka qofka
saxda ah si uu kaaga caawiyo codsigaaga.
Xarunta Xidhiidhka Daryeelka Bulsho waxaa lagala soo xidhiidhi karaa:
Telefoon ahaan: 020 8825 8000
Email ahaan:
[email protected]
Qoraal ahaan:
Social Care Contact
Centre
Ealing
Council
Perceval
House
14-16 Uxbridge Road
Ealing W5 2HL
Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad badan oo faa’iido leh iyo hagitaanka
barta internatka ee gollaha bartan: www.ealing.gov.uk. Tan waxaa ku jira linkiyo faa’iido
leh ee bogga la aaminsanyahay, sida: NHS, waxbarashadda qaran iyo maxaliga ah iyo
baraha internatka wax laga barto, iyo ilaha kale ee ay dowladdu kafaalo qaado
Gollaha Ealing waxa uu sidoo kale la shaqaynayaa degmooyinka sidii qayb ah West
London Alliance si la isugu geeyi macluumaad onlayn ah oo gaar ah iyo taageerada
liiska magacyada oo loogu yeedho CarePlace.
On www.CarePlace.org.uk, waxaad ka heli kartaa adeeg bixiyayaal adeegyo badan oo kala
duwan qabta, hawlo gudaha ku salaysan iyo barnaamijyada bulshada.
Adeegyada aan khasabka ahayn ee bulshadda ku salayn ee Ealing sidoo kale waxay
ku siin karaan macluumaad iyo waano. Waxaanu sidoo kale ku darnay liis ka mid ah
ururadan qaybta ‘Xidhiidhka Faa’iidada leh’ ee dhammaadka buug yarahan.
Su’aalaha inta Badan la Iswaydiiyo
Noocee macliimaad ah iyo waano ayaa la heli karaa?
Waxaanu la shaqaynaa tiro iskaashatooyin kuwaas oo bixiya macluumaad iyo
adeegyada waanada Ealing oo dhan. Qaabkani waxa uu ku tusayaa isda aan
dhammaan u wada shaqayno iyo waxa ay yihiin liiska magacyada iyo ilaha la heli
karaa.
Adeegyada
Dadka waa
wayn Shaqada
Waanada
guriyaynta
CarePlace
Daryeel onlayn ah
iyo liiska
magacyada
Taageerada
Bulsho, Lacag
bixinta tooska ah
iyo Kooxaha
Maaliyadeed
Barta
internaka
Gollaha&
Warqadda
ha
macluuma
adka Dad
waynaha
Caawiyaha
Daryeelka
La taiyayaasha
Maaliyadeed
ee Madaxa
banaan
Macluumaadk
a Daryeelka
Bulshadda &
Isha Liiska
magacyada
Adeegyada
Macluumaa
dka Qaybta
Iskaa wax u
qabso
Adeega
la
Talinta
ee
Ealing
Sideen ku heloi karaa macluumaadka aan u baahanahay?
Waxaad caawimo naga heli kartaa anaga ama kuwa aan iskaashiga la samayno:
• Kulan Fool ka Fool ah
• Telefoonka lagu wada hadlayo
• Iimayl ahaan
• Onlayn ah
• Qaab warqaddo aha ama buug yare
Ilaha macluumaadka iyo hagitaanada sidoo kale waxaa lagu sheegay dhexda
buugyarahan. Xaaladaha badankooda, waxaad heli kartaa oo ka soo dejisan kartaa
onlayn ahaan. Haddii aanad geli karin internatka, waxaad waydiin kartaa xogtaada iyo
waano adeeg bixiyaha si uu kuugu soo diro nuqul daabacan.
Xog noocee ah ayaa la heli karaa?
Gollaha iyo kuwa aan iskaashiga la leenahay waxay ku siin karaan macluumaad ku
saabsan:
• Daryeelka iyo taageerada adeegyada iyo uqalmida
• Guriyaynta iyo waanada la xidhiihda guriyaynta ee dadka baahida qaba.
• Daawaynta iyo taageerada xaalado caafimaad oo gaar ah iyo meesha laga helo
adeegyada caafimaadka
• Adeegyada aad ku joogayso madax banaani – sida farsamayaqaanka maxaliga ah
iyo caawimada ag agaarka guriga
• La saaxiibka iyo barnaamijyada kale ee ka hortagaga gooni jooga
• Sida loo habbeeyo qalabka oo loola qabsado gudaha gurigaaga
• Dheefaha taakulada iyo maaraynta lacagta (ay ka mid tahay waanada daynka)
• Tallada shaqaalaynta iyo jiha tilmaanka dadka waa wayn ee naafada ah
• Taageerada carruurta naafada ah iyo qoysaskooda markay qaan qaadh noqdaan
• Macluumaadka adeegyada caalamiga ah ee la heli karo
• Ilaha kale ee macluumaadka madaxa banaan, waano iyo u doodis
Ka waran haddii aan daryeele ahay?
Daryeelayaashi waxay heli karaan macluumaad iyo waano baahidooda ah, oo ay ka mid tahay:
• Caawimada nasasho qaadashada
• Caafimaadka iyo fayo qabka
• Daryeelida iyo xidhiidhka qoyska oo ka balaadhan
• Arrimaha maaliyada
• Daryeelida iy shaqaalaynta, waxbarasho iyo waxbarashadda
7
Dadka Baahiyaha Gaarka aha leh?
Macluumaadka gaarka ah waxaa heli kara dadka leh:
• Liidasho dareenka ah
• Ka go’doonsanaan bulsho
• Naafanimo xadida dhaqaaqooda jidheed
• Nafaanimo barasahda ah
• Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda
Bal kawaran Waano lacageed oo Madax banaan?
Gollaha ma bixiyo waano lacageed, laakiin waxaanu ku siin karnaa ururada ku caawin
kara, tusaale ahaan:
• Adeega Waanada Lacagta (Money Advice Service) waxaa
dejisay dowladda si ay u bixiso
mid lacag la’aan ah iyo waano lacag aan eex ahayn. Waxay kaa caawin karaan
horumarinta maaliyadaada. Waxay ku siin karaan agabka iyo qalabka xisaabiyaha si
loo raad raaco lacagtaada oo waxa soo socda loo qorsheeyo. Waxay kuu taageeri
karaan qof ahaan, telefoonka ama onlayn ahaan.
Telefoonka: 0300 500 5000
Barta internetka: www.moneyadviceservice.org.uk
Wakhtiyada furintaannka: Isniinta ilaa Jimcaha (8subaxnimo to 8fiidnimo) iyo Sabtida (9
subaxnimo to 1duhurnimo)
• Society of Later Life Advisors (SOLLA) maaha urur macaash waxaa la aasaasay 2008 si uu
u buuxiyo baahiyaha macaamiisha, la taliyayaasha iyo dadka bixiya adeegyada
maaliyadeed ilaa nolosha suuqa ee dambe- ay ka mid tahay adeegyada daryeelka.
Bogga internatku waxa uu bixiyaa xurunta baadhida si loo helo la taliyayaal si buuxda
loo aqoonsanyahay oo gudaha konton mayl oo khad toosan ah u jirta summada
boostaada.
Barta internetka: www.societyoflaterlifeadvisers.co.uk
Cutubka 3
Ka hortaga, yaraynta iyo daahinta baahida
daryeelka iyo taageerada
Waxaanu rumaysanahay in doorkayaga kor u qaadida fayo qabkaaga aanu ahayn keliya
muddooyinka wakhtiyada ama marka aad ka bogsanayso xanuunka. Waxaanu
doonaynaa in aad ku joogto caafimaad wanaagsan iyo dhaqaaq, siiba aad dareento oo
ku xidhnaato bulshadaada gudaha ah. Waxaan rajaynaynaa in aad daahino ama dib u
dhigno daryeel rasmi ah awgeed ama taageerada baahiyaha xiliga dheer, oo aan kaa
caawino in aad si madax banaan u noolaato ilaa inta dheer ee suuragalka ah. Noocan
caawimada ah waxaa loogu yeedhaa “taageero ka hortag ah.”
Waxaanu halkan u joognaa in aanu ka hadalno haddii aad ka faa’iidi lahayd taageerada
ka hortaga ah oo haddii ay sidaas tahay, waxa hadda laguu heli karo.
Taageero noocee ah iyo hawlahee la heli karaa?
Tani waxay ku xidhantahay baahiyaha gaarka ah. Waxaa jira barnaamijyo badan oo aad
u kala duwan oo laga heli karo gollaha iyo kuwa iskaashiga nala sameeya, sida:
• Macluumaadka iyo waanada loogu talo galay in aad caafimaad ka hesho, badbaado iyo wanaag.
• Gudbinta hawlaha bulshadaada maxaliga ah sida la saaxiibada mashaariicda ama naadiga
bulsheed ama si kaaga mamnuucdo in aad gooni joog noqoto ama qof go’doonsan.
• Guriyaynta iyo taageerada la xidhiidha si lagaaga caawiyo in aad kalsooni ka hesho:
maaraynta lacagtaada, biilasha iyo miisaaniyada, ka warbixiso dacay tirka, kala
soocdo arrimaha kirada/kiraysashada, aad buuxiso foomamka iyo warqaddaha
qoraalka.
•
Helitaanka qalabka iyo la qabsashada gurigaaga. Waxaad u qalmi doon taa qalab gaar ah,
oo ay ka mid tahay: looxa xamaamka si awood laguugu siiyo in aad si madax banaan
u maydhato, qacan qabsiga jaranjarada si ay kaaga caawiso in aad u korto jaranjarada
si ammaan ah ama qalab kale qalab digniin bixiya si ay kaaga dhigto inaad dareento
badbaado gudaha gurigaaga.
• Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn si ay kaaga caawiso in aad dib u hesho madax
bananaanidaada ka dib joogida cusbitaalka, ama kaa ilaalisa gelitaanka cusbitaalka.
Tan waxaa ka mid ah kalsoonidaada aad ku samayso hawlaha guriga oo ay ka mid
tahay habka caadiga ah ee maalilanaha, sida wax karinta, wax dhiqista iyo dhar
xidhashada. Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn caadi ahaan waxa uu ku
dhammaadaa ilaa lix wiig laakiin waxa uu dhammaan karaa goor ka horaysa iyaddoo
ku xidhan horumarkaaga iyo baahiyaha.
Halka ay suuragalka tahay, waxaanu isku deyi in aanu bixino adeegyada iyo ulaha
xaafadaada oo waxaanu hubsan in ay jiraan adeeg bixiyayaal kala duwan ama ikhtiyaaro
laga dooranayaa.
Yaa ku siin doona taageeradan?
Tani waxay ku xidhantahay baahiyaha gaarka ah. Taageerada waxaa laga bixintayaa xirfad
yaqaano kala duwan oo badan kuwaas oo ka shaqeeya dhammaan adeegyada Caafimaadka
iyo Daryeelka Bulshadda.
Lacag ma bixin doonaa?
Gollahu waxa uu ku waydiin doonaa kharashka noocyada qaar adeegyada taageerada ka
hortaga ah. Waxaad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan tan Xeerka Kharashka.
Waxaa sidoo kale dhici karta in laguu gudbiyo ururada ama ilaha ka baxsan Gollaha
kuwaas oo kharash kaa qaadi doona adeegyadooda. Marka noocyada gudbinaha ah la
sameeyo, waxaanu ku ogaysiin doonaa qiimayaasha suuragalka ah iyo kharashaadka
Maxaa dhacaya dhammaadka taageeradan?
Taageerada ka hortaga ah waxay u dhexayn kartaa macluumaad iyo waano ilaa adeegyo
gaar ah oo leh hadafyo si cad loo dejiyaya iyo natiijooyin. Waxaanu kaala hadli doonaa waxa
ku saabsan wixii ikhtiyaaro ah ee aad yeelan karto marka noocan taageerada ahi uu
dhammaado.
Haddii aad leedahay baahiyo xili dheer, waxaad u baahan kartaa qiimayn si aad u aragto
nooca taageerada aad u qalanto, iyo waxa adeegyada adiga kugu fiicnaada.
Haddii aad uqalnto taageero, waxaanu ku siin doonaa macluumaad iyo waano ku saabsan
adeegyada hadda iyo hawlaha laga heli karo gollaha iyo kuwa iskaashiga nala leh.
Cutubka 4
Qiimaynta Baahiyaha Daryeelka Bulsho
Haddii adiga ama qof aad taqaanaa uu leeyahay baahiyo daryeel iyo taageero, waxaanu
kaa caawin karnaa in aad aqoonsato waxa ay yihiin noocyada adeegyada kuu
wanaagsanaan lahaa adiga. Habkan waxaa loogu yeedhaa qiimayn.
Qiimaynta waxaa la siin karaa: dadka waa wayn ee leh baahiyaha, daryeelaha leh baahiyo
ka soo baxaya daryeelida qof wayn oo kale, dad dhalin yaro ah oo leh baahiyo daryeel, iyo
daryeelayaal dhalin yar kuwaas oo hadda qaan qaadh noqonaya.
Sida habka qiimayntu u shaqeeyo:
Kala xidhiidh Ealing Adeegyada
Xidhiidhka Macmiilka Bulsho 020 8825
8000 ama iimayl [email protected]
si toos loola hadlo xubin kooxdayada
ah ama si loo dhammaystiro gudbin
onlayn ah.
Waxaa lagu waydiin doonaa wax ku
saabsan xaalada hadda iyo waxa
arrimahaagu yihiin in la arko si laguu
taageero. Haddii aad si fududd ugu
baahantahay talo ama macluumaad,
waxaanu ku siin doonaa tan adiga - oo
kuu tilmaama jihada halka aad u
baahantahay in aad tagto.
Haddii ay xaaladaadu aad u
murugsantahay, waxaa lagu siin
doonaa qiimayn rasmi ah. Waxaad
waydiin kartaa in aad bilowdo
habkan addoo codsanaaya
qiimayn istaageerid leh.
• Qiimayntan
buuxdaa waa wakhtiga halka aanu ka hadalno
noocyada taageerada aad u baahan karto si aad u sii wado hawlaha
maalinlaha ah ama aad u gaadho hadafyadaada dejisan- kuwan
waxaanu ugu yeedhnaa ‘natiijooyinka’.
• Waxaa lagu waydiin doonaa habkaaga caadiga ah ee maalin kasta,
hawlaha bulsheed. Caafimaad, iyo masuuliyada daryeelida, nolosha
qoyska, ka qayb qaadashada bulsho, badbaadada, deegaanka
gurigaaga iyo maaliyadaada.
• Waxaad waydiisan kartaa xubin qoyska ah ama qof aad aaminsantahay
in uu ku taageero dhexda habka qiimaynta. Xaaladaha qaarkood,
Gollahu waxa uu habbayn doonaa Qareen madax banaan si uu kuu
caawiyo adiga.
• Iyaddo leh ogolaanshahaaga, waxaanu sidoo kale la hadli doonaa dadka
muhiimka ku ah noloshaada, sida: dakhtarkaaga, daryeelahaaga. Xubin
qoyska ah/saaxiibada. Tani waa in la helo aragtiyahooda, waxaanu sidoo
kale la hadli doonaa dadka muhiimka ah si looga hadlo doorkooda in ay
ku taageeraan adiga.
Ka dib marka qiimayntaadu dhammaato, shaqaalahaagu bulshaddu
waxa uu:
•
Ka hadli doonaa daryeelkaaga iyo baahiyaha taageera oo waxa uu kuu
sheegi doonaa waxay tahay taageerada laga heli karo Gollaha.(Kuwan
waxaa loogu yeedhaa baahiyaha loo qalmo iyo kuwa aan loo qalmin).
• Waxa uu kaala hadli doonaa hababka kala duwan kuwaas oo
baahiyahaaga loo qalmo lagu buuxiyo.
• Waxa uu kaa siin doonaa macluumaad iyo waano ku saabsan sida
aad ku buuxin karto baahiyahaaga aan loo qalmin.
• Kaala hadli doonaa tallaabooyinka xiga.
• Kuu soo diri doonaa nuqul qoran oo qiimayntaada ah.
Cutubka 5
U qalmida
Waa maxay bar Qiyaaseedka Ugu yar U qalmida ee Qaran
(National Minimum Eligibility Threshold)?
Bar Qiyaaseedka Ugu yar U qalmida ee Qaran si loogu shaqeeyo haddii qofku u qalmo
taageerada Gollaha.
Waa haykalka qaran, oo isticmaala qaab isku mid ah iyo xeerar dejisan (heerka
qiimaynta) ee qof kasta oo leh baahiyo daryeel iyo taageero wadankoo dhan. Sidoo kale
waxay caawisaa in ay hubiso in dhammaan codsiyada wax logooga qabto si xaq ah.
Waa maxay heerka qiimaynta ee dadku uga helaan caawimo
baahiyaha daryeelka iyo taageerada?
Waxaa jira saddex hab oo lagu qiimeeyo oo dadku in ay buuxiyaan u qalmida caawimo,
kuwaas waa:
Baahidu ma
waxay ka soo
baxday liidasho
jidheed ama
maskaxeed ama
bukaan?
Baahiyaha miyay macnahoodu
yihiin in qofka wayn aanu awood u
lahayn in uu buuxiyo labba ama in
ka badan ee natiijooyinka qoran?
Ma jirtaa cawaaqib
ahaan saamayn
wayn oo ah fayo
qabka qofka
wayni?
Natiijooyinka ama daryeel gaar ah iyo taageerada baahiyaha:
• Maaraynta iyo joogtaynta nafaqada
• Sii wadista nafaqada shakhsiyeed
• Maaraynta baahiyaha musqusha
• Aan si sax ah dharka u xidhnayn
• Awood u leh in uu ugu noolaado guriga si badbaado leh
• Joogtaynta deegaanka guriga oo la degi karo
• Horumarinta iyo sii wadista qoyska ama xidhiidhada kale ee shakhsiyeed
• Helitaanka iyo u saxeexida shaqada, tababarka, waxbarashadda ama iskaa wax u qabsada
• Isticmaalka xarumaha gudaha iyo adeegyada xaafadaada, ay ka mid tahay
gaadiidka dad wanaha iyo adeegyada raaxaysiga iyo firaaqada
• Haddii aad caruur daryeelayso, aad fulinayso masuuliyadaada sidii waalid ama
masuul
Daryeelayaasha leh baahiyaha taageero
Haddii aad tahay Daryeele, saddex hab ee qiimaynood ee soo socdaa waxaa loo
isticmaalaa in lagu ogaado haddii aad u qalananto:
Baahidu ma soo
baxdaa iyaddoo ay
sababtu tahay in ay
bixinayaan daryeel
lama huraan ah iyo
taageero?
Miyuu caafimaadka jidhka
iyo maskaxda ee daryeelaha
ay saamaysay ama halis ugu
jiraa in uu sii xumaado ama
daryeelahu myaanu awood
u lahayn in uu guul ka
gaadhi wax ka mid
ahnatiijooyinka qoran?
Ma jiraa natiijo ahaan
saamayn muhiim ah oo
fayoqabka daryeelaha
ah?
Natiijooyinka ama daryeelka gaarka ah iyo taageerada baahiyaha:
• Fulinta masuuliyadaha daryeelka ee ilmaha
• Siinta daryeelka kuwa kale
• Joogtaynta deegaan la degi karo oo gurigooda ah
• Maaraynta iyo joogtaynta nafaqada
• Horumarinta iyo sii wadista qoyska ama xidhiidhada kale ee shakhsiyeed
• Ka qayb qaadashada shaqo, tababar, waxbarasho ama iskaa wax u qabso
• Ka faa’iidaysiga xarumaha ama adeegyada bulshadda maxaliga ah, ay ka mid tahay ka
qayb qaadashada hawlaha raaxaysiga ah
U qalmida
Codsigaaga daryeelka iyo taageerada waxaa dib loogu eegi doonaa iyaddoo la
isticmaalayo heerka qiimaynta ku qoran kor. Marka la sameeyo ka dib, waxaanu kuu
sheegi doonaa haddii aad u qalanto taageero:
• Haddii aad u qalanto, oo aad jeclaan lahayd in aan ku caawimo, waanu kula shaqayn
doonaa si aanu u hubsano in daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha la buuxiyay.
• Haddii aad tahay mid u qalma taageero, waxaanu ku siin doonaa macluumaad iyo
waano ku saabsan meesha laga helo taageero. Waxaanu tan u samayn karnaa
baahiyahaaga hadda, siiba samayn tala bixinta mustaqbalka.
Waa maxay Qoondaynta Isha Qadinka ahi?
Haddii aad taageero u qalanto, xogta ka timid Qiimayntaada Baahiyaha Daryeelka Bulsho
waxaa loo isticmaalaa si looga shaqeeyo Qoondaynta Isha Qadinka ah. Tani waa qiyaasta
qadarka lacagta ee laguu heli karo adiga isticmaalka dhanka kharashaadka
taageeradaada. Qoondayntaada Isha Qadinka ahi waa hagaha keliya waxaad adigu heli
doonto. Qadarka dhabta ah ee lacagta waxay ku xidhantahay labbadaba xaaladaada
maaliyeed ee gaarka ah iyo kharashka maxaliga ah iyo helitaanka nooca adeegyada la
isku raacay daryeelkaaga iyo qorshaha taageero..
Sidee baa looga shaqaynayaa Qoondayntayda Isha Qadinka
ah?
Qaacidadu waxay ahayd
macluumaad
sax ah.
Urur cilmi baadhideed oo madax banaan ayaa horumariyay
qaacidada isticmaasha
macluumaad la soo ururiyay muddadii habka qiimaynta si loo soo saaro qiimayn macquul
ah ee kharashaadka kullanka baahiyahaaga daryeelka loo qalmo. Qaacidada waxaa loo
baadhay maxali ahaan si loo hubsado in ay bixinayso macluumaad macquul ah oo sax ah.
Miisaaniyadaada Shakhsiyeed
Miisaaniyadaada Shakhsiyeed waa kharashka adeegyada badankooda looga baahanyahay
si uu u buuxiyo daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha. Waxaa ka mid ah qadarka, haddii
ay jiraan wax, aad kaga qayb qaadanayso kharashka buuxinta baahiyaha iyo qadarka
Gollahu bixin doono.
Waxaad u qorshaysaa Miisaaniyadaada Shakhsiyeed habab kala duwan, tusaale ahaan:
• Sidii lacag bixin toos ah, markaad hubsato, halkaas oo aad ku samayso
daryeelkaaga iyo qaban qaabada taageerada naftaada,
• Gollahu waxa uu ku samayn karaa habbaynaha isagoo ku metalaaya adiga ama
• isku dar labbadaba ah
17
Cutubka 6
Bixinta lacagta daryeelkayga iyo
taageerada
Daryeelka bulsheed, si aan la mid ahayn daryeelka caafimaad, bilaash uma aha
cid kasta. Habka qiimayntu waxa uu anaga naga caawiyaa in aanu soo saarno inta
uu gollahu uu ka bixin karo dhanka daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha, iyo
waxa kharashku aad ka masuul noqon doontaa uu yahay.
Haddii aad tahay qof wayn oo leh baahiyo u qalma oo aad leedahay hanti ka
saraysa catabada raasamaalka £23,250, waxaad masuul ka noqon doontaa
buuxinta kharashaka buuxa ee daryeelkaaga iyo taageerada. Si kastaba ha
ahaatee, haddii aad u baahantahay caawinta habbaynta adeegyada, tan waanu
kuu qaban karnaa.
Haddii adigu aanad haysan hanti ka saraysa xadka raasamaalka, weli waxaad u
baahan kartaa in aad bixiso daryeelkaaga iyo taageerada iyaddoo ku xidhan
duruuftaada maaliyadeed.
Daryeelayaashu laguma soo dalaci dono karashka adeegyada buuxinta
baahiyaha taageerada u qalmidooda. Siyaasadani waa ay isbeddeli kartaa
msutaqbalka. Haddii qofka la daryeelayaa uu aqbalo helitaanka adeegyada
daryeelka si uu u buuxiyo baahiyaha Daryeelaha, waxaa dhici karta in nay u
baahdaan buuxinta qiimaynta maaliyadeed si loo go’aamiyo inta ay tahay,
haddii uu jiro shay kasta, waxay ka qayb qaadan doonan dhanka adeegyadan.
Sida aanu ku soo saarno waxa aad bixinayso
daryeelkaaga iyo taageerada
Adigoo ah Dayeelaha mooyee, waxaad u baahan doontaa in aad buuxiso
Foomka Duruufaha Maaliyadeed. Tani waxay noo sheegi doontaa waxa ku
saabsan xaaladaada maaliyadeed sidaasna waxaanu ku garan karnaa haddii aad
u baahan doonto – oo haddii ay sidaas tahayna, imisa—ayaa lagu bixinyaa
daryeelkaaga iyo adeegyada taageerada.
Waxaanu ku waydiin doonaa in aad na siiso faahfaahinta dheefahaaga, kaydsiga,
maalgelinta wixii hanti ah ee aad leedahay.
Haddii ay caddahay in aad leedahay ilo maaliyadeed oo muhiim ah oo aad u
isticmaasho si aad ugu bixiso daryeelkaaga iyo taageerada, oo aanad jeclayn
in aad gudato qiimayn maaliyadeed oo buuxda, waxaad bixin kartaa ‘taabasho
fudud’ qiimaynta maaliyadeed.
Haddii aanad ku raacin qiimaynta taabashada fudud, waxaad waydiin
kartaa qiimayn maaliyadeed oo fudud.
Inta aad bixin doontaa waa la isku xisaabiyaa iyaddoo laga fekeraayo: haddii
aad helayso daryeelka gudaha daryeelka guri, gurigaaga, ama goob kale.
Qiimaha gurigaaga laguma xisaabtami diino haddii lamaanahaga ama
xubin qoyskaaga ah oo ka yar 18 ama ka wayn 60 ama leh daryeel iyo
taagerada baahiya noloshooda oo ku jirta hantida.
Haddii aad haysato lacag kayd ah oo u dhexaysa £23,250 iyo £14,250
waxaa lagu waydiin doonaa in aad bixiso £1 wiigii oo ah daryeelkaaga
£250 kasta oo aad hayso.
Waxaa sidoo kale lagu waydiin doonoo in aad ka bixiso lacagtaad hesho
sidii dakhli caadi ah sidii xaalad ama bisil gaar ah iyo dheefaha.
Wixii lacag ah ee aad ka shaqaysato shaqada laguma xisaabtamo.
Haddii aad ku nooshahay guri daryeel waxaad had iyo jeer yeelan
doontaa ugu yaraan least £24.90 wiigii wixii kharashaad gaar ah ka dib
qadarka aad ku bixiso ee lagu xisaabtamay.
Haddii aad ku nooshahay gurigaaga waa in lagaaga tagaa ugu yaraan inta
ugu yar ee damaanada dakhliga ee da’daada lagu daray xadka 25%.
Si aad u hesho wax badan oo ku saabsan qiimayntaada lacageed fadlan tixraac
buug yaraha “Go’aansanaya Ka Qayb galkaaga Maaliyadeed.” (Determining My
Financial Contribution) Catabadaha raasamaalku, kharashaadka gaarka ah ee
gunooyinka iyo heerarka dakhliga ugu yar waa ay isbeddeli karaan iyagoo ku
salaynsan dib u eegid sanadle ah iyo siyaasada Dowladda.
Waxaanu ku siin doonaa nuqul qiimayntaada maaliyadeed marka la dhammeeyo.
Adeegyada Kharashaadka laga saaray
Kaama qaadi karno kharashka noocyo gaar ah oo daryeelka iyo taageerada. Kuwani
waa:
• Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn, oo ay ka mid tahay dib u awood
siinta ama dib kuugu celinta cagahaaga ka dib joogitaanka cusbitaalka,
(tan waa in adiga lagugu siiyaa kharash lacag la’aan ilaa lix wiig).
• Qalabka
bulshadda, tusaale ahaan caawimada iyo la qabsiyada yar yar.
Tan waa in lagu bixiyaa kharash la’aan haddii shuruudu tahay in ay
buuxiso ama ka hortagto/baahiyaha daahida. Tani waxay noqon doontaa
la qabsiga yar oo kharashkeedu tageyo £1,000 ama ka yar.
• Daryeelka iyo taageerada dadka qaba cudurka Creutzfeldt-Jacob.
• Adeegyada daryeelka ka dib/ taageerada lagu bixiyo hoosta 117 ee
Xeerka Caafimaadka Maskaxda1983.
• Wixii adeegyo ah ama qayb adeega ah kaas oo NHS waa waajib in la
bixiyo. Tan waxaa ka mid ah sii wadista daryeelka caafimaad iyo wax ku
biirsiga NHS ee daryeelka kalkaaliska diiwaanka gashan.
• Qiimaynta baahiyaha iyo qorshaynta daryeelka.
Kharashaadka Kale
Marka lagu daro maaliyad ahaan qiimaynta dhanka wax ku biirsigaaga qorshaha
taageeradaada, waxaa jiri kara kharashaad kale oo macquul ah oo aanu samayno
tusaale ahaan: xanaanaynta xawayaanka rabaayada marka aad kujirto cusbitaalka
taas macnaheedu waa kharashka qolka eyga, kharashaadka qofka daryeelka
qufuladda haddii aanu geli karno gurigaaga xaalada gurmadka ah.
Sideen u bixin doonaa daryeelkayga?
Lacag bixinta Tooska ah - Haddii aad doorato in aad hesho Lacag bixin Tooska ah,
qadarka Gollahu ku biiriyo Miisaaniyadaada Shakhsiyeed waxaa toos loogu bixin
doonaa kootada bangigaaga afar wiig oo kasta. Waa in aad bixisaa qaban
qaabada aad ku bixinayso wax ku biirsigaaga (haddii ay jiraan wax) kootada
bangi la mid ah oo aad bixisaa kharashaadka daryeelkaaga iyo taageerada aad u
dooratay adeeg bixiyayaasha.
Gollahu-maareeyo- Haddii aad doorato in aad hesho miisaaniyad gollahu-maareeyo,
Gollaha Ealing waxa uu habbayn doonaa daryeelkaaga iyo taageerada. Waxaa
lagaaga baahan doonaa in aad na siiso kharashka wax ku biirsigaaga. Waxaanu
kuu soo diri doontaa foojar afar wiig gudaheed, ama waxaad dooran kartaa in aad
ku bixiso lacag bixin kootada ah oo toos ah.
Miisaaniyada Isku jirta - Haddii aad helayso Miisaaniyada Shakhsiga ah sidii Lacag
bixin Toos ah iyo qaar sidii miisaaniyad gollahu-maareeyo, waxaanu kugula
talin doonaa sida sida aad u bixin doonto lacagtaada wax ku biirsiga ah (haddii
ay jiraan wax).
Helitaanka macluumaad badan oo ku saabsan kharashyadan
Daryeelkaaga iyo qorshaha taageerada waxay muujin doontaa adeegyada la
bixinayo si ay u buuxiso baahiyaha (Miisaaniyadaada Shakhsiyeed –Personal
Budget). Waxaad codsan kartaa in la kala qaybiyo kharashaadka Gollahu uu ku
biirin doono Miisaaniyadaada Shakhsiyeed marka taageeradaada iyo qorshaha
daryeelka iyo qiimaynta maaliyadeed la dhammaystiro. Waydii shaqaalahaaga
bulsho in uu bixiyo tan.
Waxaad heli doontaa xaqiijinta gaarka ah ee qadarka, haddii ay jiraan wax,
waxaa lagaaga baahan doonaa in aad wax ku biirsato dhanka Miisaaniyadaada
Shakhsiyeed ee raacsan qiimaynta maaliyadeed.
Heshiisyada Lacag bixinta Dib loo dhigay
Kharashku waxa uu tagaa Daryeelka Degenaanshaha oo waa uu yara sarayn karaa.
Haddii aad leedahay gurigaaga oo aad iskaa u nooshahay waxaa lagaa fili karaa in
aad tan naftaada ka bixiso. Si lagaaga caawiyo bixinta kharashkaaga, Gollahu
waxa uu bixiyaa alaabta loogu yeedho Heshiishka Lacag bixinta Dib loo dhigay.
Tani waxay awood kuu siisaa in lacag laga amaahdo Gollahu helayo ee ka soo
horjeeda ah qiimaha hantidaada. Waxay la mid tahay daynsiga guryaha, oo
qanadaraas ayaa laga samaynayaa dhexdayada oo kharashka sharci waxaa la dhigi
doonaa hantidaada.
Haddii aad doorato jidkan, waxaa jiri doona kharashyo iyo dulsaar uu dul
dhigayo gollahu si uu bixiyo.
Wixii xog dheeraada ah ee ku saabsan alaabtayada waxaa laga heli karaa buug
yaraha Heshiiska Lacag bixinta Dib loo dhigo.
Waxaanu awood u leenahay keliya in aanu ka talo bixino qaban qaabooyinka
lacag bixintayada dib loo dhigay. Waxaa dhici karta in aad ogaato in ay jiraan
alaabooyin badan maalgelin ku habboon oo aad heli karto. Waa in aad ka
raadsataa waano maaliyadeed oo madax banaan il takhasus leh marka aad ka
fikirayso Heshiiska Lacag bixinta Dib loo dhigay.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qiimaynta
Maaliyadeed
Haddii aad jeclaan lahayd in aad ogaato wax badan oo ku saabsan noocyada
dakhliga, kaydinta iyo kharashka la isticmaalo muddada habkan, fadlan tixraac
warqadayada “Go’aan gaadhista Wax ku biirsigaaga Maaliyadeed” ee sharaxda
sida wax ku biirsigaaga loo xisaabiyo.
Tan waxaa laga heli karaa www.ealing.gov.uk
21
Cutubka 7
Daryeelkayga iyo Qorshaha Taageerada
Waa maxay Daryeelka iyo Qorshaha Taageerada?
Haddii uu gollahu masuul ka yahay buuxinta baahidaada, waxaanu kaala shaqayn doonaa
adiga in aanu isku gayno taageerada iyo Qorshaha Taageerada. Tani waa mid qoran,
warqad shakhiyeed oo ay isku raaceen dhexda adiga iyo gollaha oo faahfaahinaysa sida
loo buuxin doono.
Haddii aad tahay Daryeel bixiye, waxaad heli doontaa qorshe dejinaaya teegeerada
lagugu caawinaayo doorkaaga daryeelida.
Maxaan u baahan doonaa in aan ka fekero waxa ku saabsan ka
hor inta aanan dhammaystirin qorshahayga?
Go’aanka ugu muhiimsan ee aad u baahantahay in aad samayso ka hor inta aanad
bilaabin qorshahaaga waa sida aad u rabto daryeelkaaga iyo taageerada la qaban
qaabinayo. Waxaad ka dooran kartaa ta soo socota:
1. Lacag bixinta tooska ah – tan macnaheedu waa in aad heshay miisaaniyadaada
shakhsiyeed gudaha foomka ee lacag bixinta 4 wiig naqadkooda oo uu habbeeyo in uu
ku siiyo daryeelkaaga iyo adeegyada taageerada laftaada ama caawimada musharax.
Musharaxu waa qofka (tusaale ahaan, lamaane, xaaska, saaxiib ama xubin qoyska ah)
kaas oo aad adigu magacowday si uu kaaga caawiyo maaraynta lacag bixinta tooska
ah. Ikhtiyaarkan kuma habboona daryeelka qaban qaabada guriga.
2. Sidii kooto la maareeyo ay qabato kooxda saddexaad(inta badan loogu yeedho Maalka
Adeega Shakhsiyeed ama ISF).
3. Ikhtiyaarka gollahu maareeyo. Waxaad go’aansan kartaa in aanad maarayn maaliyadaada
iyo codsiga kaas oo Gollahu uu tan kuu sameeyo adiga. Waxaanu maarayn lahayn
miisaaniyadaada iyo adeeggyada anagoo ku metalayna. Waxaanu habbayn lahayn
adeegyadaada taageerada ee la safka qorshahaaga shakhsiyeed, oo hubsan lahayn in ay
diyaar u yihiin sida la isku raacay oo loo bixiyay.
4. Miisaaniyada Isku jirka ah – qaban qaabada ay ka midka tahay walxaha qaar
ikhtiyaarada kor ku qoran.
Xusuuso, waxaad beddeli kartaa sida aad u hesho daryeelkaaga iyo taageerada wakhti
kasta. Haddii aad doorato lacag bixin toos ah ama miisaaniyad isku jirta, waxaanu si xoog
leh kuugula talinaynaa in aad akhrido hagaha gollaha lacag bixinta tooska ah—waxaad
waydiisan kartaa shaqaalaha bulshada nuqul.
Yaa iga caawin kara in aan dhammeeyo Daryeelkayga iyo
Qorshaha Taageerada?
• Haddii aad doorato lacag bixin toos ah markaas waxaad kari kartaa:
• Dhammaystir qorshahaaga ama waydii saaxiib aad aaminsantahay ama xubin
qoyska ah in uu ku caawiyo.
• Sidoo kale waxaad waydiin kartaa Ealing Direct (lacag bixinta tooska ee
taageerada adeegyada ah ee gollaha ama mid ka mid ah shuraakadooda
lacag bixinta tooska ah si uu kuu caawiyo.
• Haddii aad doorbidayso, waxaad waydiisan kartaa qaban qaabiye taageero oo
madax banaan si uu kuucaawiyo. Fadlan iska jir in noocyada waanada ah ay inta
badan yihiin kuwa lacag ahoo ay dhici karto in kharash ku lug lahaado.
• Haddii aad doorato ikhitiyaarka uu maareeyo gollahu, shaqaale bulsho ayaa ku
caawin doona in aan dhammaystirto qorshahaaga oo markaa waxa uu dejin
doonaa oo maarayn doontaa daryeelka iyo taageerada daryeelkaaga isagooku
metelaaya.
Fadlan ogow: haddii aad u qalanto baahiyaha daryeelka bulshadda ay
buuxinayaan daryeelaha aan rasmiga ahayn sida xubin qoyska ah ama saaxiib,
waa in lagu daraa habka qorshaynta. Sidoo kale waxaan u baahan doonaa in
aad diiwan ku qorno heshiiskooda si aanu daryeelkan iyo taageerada adiga kuu
siino. Sidoo kae waxay xaq u leeyihiin in ay su’aalaan qiimaynta
daryeelayaashooda.
Doorka qareenada madaxa banaan
Qaybta u badan, dadka waxay dhex qaadaan daryeelka iyo qiimaynta taageerada
iyo habka qorshaynta iyaga laftoodu ama in caawimo ah oo ka timid xubin
qoyska ah iyo saaxiib. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ognahay xaaladaha
qaarkood, dadka waxay haysan karaan ‘dhibaato muuqata’ in ay ku maraan
habkan. Duruufahan, haddii aanu jirin cid diyaar u ah ama awood u leh in ay ku
caawiso, waxaanu habbayn karnaa Qareen Madax banaan si loo hubsado in
aragtidoodu iyo rabitaanadooda si buuxda ay u muujiyaan qiimayntoodoo dhan.
Muxuu u eekaan doonaa Qorshahayga Taageeradu?
Haddii aad doorato lacag bixin toos ah ama miisaaniyad isku jir ah markaa
qorshahaaga daryeelka waxaa loo soo bandhigi karaa sida adiga aadka kuugu
habboon. Waxay noqon kartaa mid qalin lagu qoray, la teeb gareeyay ama
xataa lagu dhammaystiray sawiro iyo calaamado. Haddii aad doorato
ikhtiyaarka gollahu maareeyo, waxaanu ku siin doonaa warqada qaab qoraalla
buuxinayo. Qorsha kastaa waa ku duwanyahay, laakiin xog gaar ah waa in had
iyo jeer lagu daraa, sida:
• Faahfaahinta daryeelka bulshada lagu caddeeyay qiimayntaada..
• Sida baahiyahaagu u buuxiyaan heerka qiimaynta u qalmida ee Gollaha.
• Baahiyaha gollahu buuxinayo iyo sida loo qprsheeyo in sidaa loo sameeyo.
• Haddii aad tahay qof u baahan adeegyada daryeelka, waa maxay natiijooyinka la rabaa?
• Macluumaadka iyo waanada ku saabsan sida loo yareeyo oo looga hortago baahiyaha
taageerada ee mustaqbalka.
• Sida loo codsado faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Miisaaniyadaada Shakhsiyeed.
Haddii aad doorato lacag bixin toos ah, qorshahaaga waa in ay ku jirtaa baahiya in lagu
buuxiyo ikhtiyaarkan, ay ka mid tahay qiimahooda. Sidoo kale waxaa ku jiri doona
qadarka lacag bixintaada ee ka yimid gollaha iyo goorta la bixin doono.
Qorshaha Taageerada Daryeelayaasha
Daryeelayaasha u qalma taageero ka dib dhammaystirka Qiimaynta Daryeelaha sidoo
kale waxay xaq u leeyihiin qorshahooda Taageerada. Tani waxay faahfaahin doontaa
wixii hadafyo ah ama natiijooyin ah ee ay rabaan in ay ka guul gaadhaan: ee xaga
daryeel bixinta, shaqada, waxbarashada iyo/ama raaxaysiga/ Sidoo kale waxay muujin
doontaa haddii wax daryeel ah iyo taageero la siinayo qofka la daryeelayo.
Qorshahayga ama waxaa aqbalaya Gollaha?
Haa – Gollaha Ealing Council waxaa u diyaarsan hablagu aqbalayo Daryeelka
Shakhsiga iyo Qorshayaasha Taageerada iyo Qorshayaasha Taageerada
Daryeelayaasha. Waxaanu u baahanahay in aanu hubino in qorshahaagu uu buuxiyo
baahiyahaaga loo qalmo ee daryeelka bulsho, taageerada fayo qabka oo oo ku
badbaadiyo iyo siiba diiwaaniyo kharashadka la buuxinayo, Waxaad heli doontaa
nuqul qorshahaaga u dambeeya ah ee diiwanadaada iyo gudbinta.
Qorshahayga ma beddeli karaa?
Marka qorshahaaga la aqbalay oo la fuliyo waxaa loo beddeli karaa duruufaha soo
socda:
• Waxaad samayn kartaa isbeddelo yar la’aanta baahida ee dib u eegida rasmiga
aha ama dib u qiimaynta. Tusaale ahaan: beddelka wakhtiga ee adeega,
beddelkaagu ma kordhiyo halista oo waxa uu ku jiraa miisaaniyadaada
shakhsiyeed ee la aqbalay.
• Isbeddelada muhiimka ah, waxaad u baahan doontaa in aad la xidhiidho
shaqaalahaaga bulshada oo waxaad u baahan doontaa in aad dhammaystirto dib u
eegid badan oo daryeel oo rasmi ah.
Fadlan ogow in aad ku wargeliso daryeelahaaga bulsho haddii daryeelahaaga iyo
baahiyaha taageerada ay si wayn isku beddelaan wakhti kasta.
Dib u eegida daryeelkayga iyo qorshaha taageerada
Shaqaalahaaga bulshada waxa uu kula hubin doonaa adiga waxa ku saabsan
baahiyaga daryeelka 6-8 wiig ka dib marka qorshahaagu bilaabmo si loo hubiyo in
dhammaan wax kastaa ay fiicanyihiin. Intaa ka dib, waxaanu kula soo xidhiidh
doonaa hab sanadle ah( ama si ka dhakhso badan haddii taageeradaadu isbeddel u
baahantahay ka hor taariikhda dib u eegidaada la qorsheeyay).
Cutubka 8
Dib u eegidayda
Marka Daryeelkaaga iyo Qorshaha taageerada la diyaariyo, waxaanu dib kuula
eegi doonaa qabanqaabada si loo hubsado in wax kastaa ay u socdaa si
debecsan. Dib u eegid kastaa waxay xooga saari doontaa afar su’aalood oo waa
wayn oo ku saabsan qorshahaaga. Waa fursadaada in aad sheegto waxa si
wanaagsan u shaqaynaa, oo aad caddayso dhinacyada horumarka, tan waxaa ka
mid ah:
1. Waxa shaqaynaya, waxa aan shaqaynayn – iyo wixii isbeddel ah ee looga
2.
3.
4.
baahanyahay Daryeelkaaga iyo Qorshaha Taageerada.
Miyaa wax hadafyadaada ama natiijooyinkaaga ayaa la gaadhay ama ay
ku dhow dahay in la gaadho?
Ma leedahay wax ahdaaf ama ujeedooyin aad doonayso in aad gaadho?
Haddii aad doorato lacag Bixinta Tooska ah, sideed ku maaraysa lacagtaada?
Waa in aanad dhex marin dib u eegida keligaa. Waxaad waydiin kartaa xubinta
qoyska, saaxiib, Daryeele ama Gollaha waxa uu habbayn karaa Qareen madax
banaan in uu joogo dib u eegidaada haddii loo baahdo.
Dib u eegidan waxaa ku jiri doonta Daryeelahaaga, iyo qof kale oo ay khusayso
caawinta daryeelkaaga iyo taageero. Ta ugu muhiimsan, dib u eegidan waa
wakhtigaaga aad ka hadasho sida aad ka dareento waxa ku saabsan Daryeelka
yo Qorshaha Taageerada, oo ay ku talo bixiso wax isbeddelo dhankeeda ah.
Waxaa jira saddex nooc oo waa wayn oo dib u eegid ah kuwaas oo la fulinayo, kuwaas
waxay yihiin:
1. Dib u eegid lix ilaa sideed wiig ah. Tan caadi ahaan waa telefoonka
guudkiisa. Waxaanu hubin doonaa in dhammaan taageeradaada la
caddeeyay ay bilaabantay oo ay si wanaagsan u socoto. Haddii loo
baahdo, waxaanu ku samayn karnaa isbeddelo yar yar taageerada aad
helayso.
2. Dib u eegida sanad laha ah ee la qorsheeyay.Hal mar sanadkii, shaqaaaha
bulshadda ayaa ku soo booqan doona si uu uga hadlo sida Daryeelka iyo
Qorshaha Taageeradu uu kuugu shaqeeyay adiga dhanka buuxinta
natiijadaadii la aqbalay. Muddadii dib u eegistaadii sanadlaha ahayn,
waxaad sidoo kale dhammaystir kartaa qiimayn cusub si aad u hubsato
in taageerada aad helaysaa ay weli habboontahay.
3. Dib u eegid aad la qorshayn. Tan waxaa lagu samayn karaa wakhti kasta
haddii ay jiraan isbeddel wayn oo druufahaaga ah, heerarkaaga
baahiyaha ama xaalad dhibaato ah. Nooca dib u eegida waad codsan
katraa, Daryeelahaagu, Gollaha ama qofka adiga ku metelaata.
Waxaad heli doontaa nuqul Daryeelkaaga ah iyo Qorshaha Taageerada haddii aad
samayso wax isbeddelo ah muddada dib u eegidahan.
Isbeddelo waa wayn oo kale oo heerka taageerada ah ee aad u baahantahay waxa
uu macnahoodu noqon doonaa in aad u baahan doonto qiimayn cusub. Waa in aad
la xidhiidhaa shaqaalaha bulshadda ama Xarunta Xidhiidhka Adeega Bulshadda sida
ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah haddii duruufahaagu ama baahiyahu
isbeddelaan taariikhda dib u eegidaada xigta ee la qosheeyay.
Cutubka 9
Waa maay xadka miisaaniyada kharashka
daryeelku?
Abriil 2016, qayb kale oo isbeddelo Xeerka Daryeelka ayaa la dhaqan gelin
doonaa. Sanadka soo socda, xadka miisaaniyada kharashka iyo dib u habbayno
dheeraada oo adeegyada kharashka ah ayaa la samayn doonaa.
Ta lagu talo bixiyay ‘xadka kharashka miisaaniyada’ micnaheed waa in aanu
qofna bixinayn in ka badan £72,000 dhanka kharashka daryeelkooda loo qalmo
iyo baahiyaha taageerada. Qadarka la tiriyay ee dhanka xad kharashka waxa uu
gaadhaa £72,000, Gollaha ayaa soo fara gelin oo bixin doona kharashka si loo
buuxiyo baahiyaha loo qalmo. Tan waxaa lagu dabaqayaa dadka si buuxda u
maalgelinaaya daryeelkooda iyo taageerada siiba kuwa hela maalgelinta
Gollaha.
Xataa haddii aad habbayso oo bixiso dhammaan kharashka daryeelkaaga iyo
taageerada adiga laftaadu, waxaad awood u yeelan doontaa in aad la xidhiidho oo
iska diiwaangeliso Gollaha wixii baahiyaha qiimaynta ah. Muddada habkan socdo,
waxaanu ka hadli doontaa baahidaada hadda iyo ta xiliga dheer oo waxaanu ku
ogaysiin doonaa haddii aad u qalanto daryeel iyo taageero.
Waxaanu ku ogaysiin doonaa kharashka kullanka baahiyahaaga loo qalmo,
tani waa qadarka loo tirin doono dhanka xadka kharashka. Laga bilaabo Abriil
2016, tan waxaa laga diiwangelin doonaa Miisaaniyada Shakhsiyeed ee
Madaxa banaan iyo Kootada Daryeelka.
Xadka miisaaniyada kuma habboona kharashka daryeelkaaga ka hor 1 Abriil
2016. Wixii faahfaahin dheerada waxaa laga heli doonaa isbeddeladan
muhiimka ah muddada 2015, iyo xubin kooxadayada Xidhiidhka Adeega
Bulshadda waxa uu kaa caawin karaa in aad ka jawaabto wixii su’aalo ah ee aad
hayso ee ku saabsan arrintan, ama wax kasta oo xeerarka daryeelka iyo
taageerada cusub ah ee lagu sheegay buug yarahan. Waxaad kala xidhiidh
kartaa iyaga: 020 8825 8000.
Xidhiidhada Faa’iidada leh
Ealing Council
Social Services Contact Centre
Telefoonka: 020 8825 8000
Iimayl: [email protected]
Community Benefits Team
Telefoonka: 020 8825 8555
Iimayl: [email protected]
Financial Assessment Team
Telefoonka: 020 8825 5998
Iimayl: [email protected]
www.ealing.gov.uk
Ealing Community Network
Telefoonka: 020 8280 2289
Iimayl: [email protected]
www.ealingnetwork.org.uk
CarePlace
www.careplace.org.uk
National Brokerage Network
Telefoonka: 01279 504735
www.nationalbrokeragenetwork.org.uk
Ealing Direct
Telefoonka: 020 8825 8475
Iimayl: [email protected]
Money Advice Service
Telefoonka: 0300 500 5000
www.moneyadviceservice.org.uk
Wakhtiyada furintaannka: Isniinta ilaa Jimcaha (8subaxnimo to 8fiidnimo) iyo Sabtida (9
subaxnimo to 1duhurnimo)
Society of Later Life Advisors (SOLLA)
www.societyoflaterlifeadvisers.co.uk
Care Quality Commission (CQC)
Telefoonka: 03000 616161
www.cqc.org.uk
NHS Choices
Macluumaadka ku saabsan xaaladaha caafimaad ee gaarka ah, waano caafimaad oo
hab nololeedka ah iyo heltaanka adeegyada NHS ee maxaliga ah.
www.nhs.uk
29
Haddii Af Ingiriisigu yahay luqaddaada koowaad
Warqaddan waxay ka koobantahay xogta ku saabsan adeegyada gollaha.
Haddii aana dawood u lahayn in aad akhrido oo aanad garanayn cid kuu
akhriyi karta adiga, fadlan kala xidhiidh xarunta adeega macmiilkayaga
cinwaanka hoose.
Xarunta Xidhiidhka Adeega Bulshadda, Ealing Council, Perceval House
14-16 Uxbridge Road, London W5 2HL or telephone 020 8825 8000
Fiirooyin

Similar documents