Barashada dugsiga

Transcription

Barashada dugsiga
Barashada
dugsiga
Hagaha
dugsiyada
aasaasiga ee
Helsinki
Macluumaad
ku saabsan
dugsiyada kuna
socota qoysaska
u soo guuray
Finland
1
”Nabad!
Gacantaada waxaa ku jira buugga hagaha barashada dugsiga,
kaasoo ay ku qoran yihiin macluumaad muhiim ah oo ku
saabsan dugsiyada aasaasiga ah. Hagahan waxa uu siinayaa
taageero qoyskaaga in uu ka bilaabo dugsi Helsink iyo bilaabida
marxaladda cusub ee noloshaada.
Finland waxbarashada waa ku khasab ilma kasta,
ilma kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu wax barto. Way
fududahay; waxbarasho bilow ah, agabka waxbarashada iyo
cuntooyinka maalilaha ah dhammaan waa bilaash. Waxaa lagu
maalgeliyaa cashuurta.
Dugsiga, ardaydu waxay helaan aqoon iyo xirfado taas oo
kama dambaysta ka caawin doonto in ay ka helaan meeshooda
gudaha mujtamaca. Waxay bartaan ardaydu in ay aqoonsadaan
awoodahooda oo ay la wada shaqeeyaan kuwa kale.
Dhammaan tani waxa ay ku dhacdaa deegan dhiirigalin
iyo badbaado la leh macalimiinta bixinaysa taageerada sidii
shakhsiyaad iyo qayb ka mida kooxda. Macalimiintu waxay
kobciyaan deegaano kala duwan oo waxbarasho. Habkan,
qofkastaa waxa uu ku heli karaa qaabka ugu fiican ee
waxbarasho.
Waxaanu rajaynaynaa in hagahani uu ku siin doono
jawaabaha su’aal kasta oo qoyskaagu hayo. Macalimiinta iyo
shaqaalaha kale ee dugsigaaga waxay ay ku farxi doonaan in ay
wax dheeraad ah kuu sheegaan.
Waxaanu kuu rajaynaynaa bilow farxad leh oo dugsiga ah!”
Marjo Kyllönen
Maareeyaha Waxbarashada
Waaxda Waxbarashada ee Magaaladda Helsinki
Qaybta Waxbarashada Bilowga ah
2
Tusmadda
Polina iyo Kushali
Maalin dugsiga ah
Inta lagu jiro maalinta dugsiga, Polina, oo
da’deedu tahay 9, waxay ku jimicsatay
jiimka oo Kushal, oo da’deedu tahay 13
waxay gashay imtixaan taariikh ah. Intii
casharada u dhexaysay, waxay wakhti
laqaateen saaxiibadood. Labbada
ardayba waxay xiiseeyeen cunto lacag
la’aan ah.
Hab ku habboon arday kasta in uu dugsiga aado. . . . . 4
Waxoogaa arimo muuqdo ah. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 5
Waxbarida iyo jadwalka fasalada 1aad ilaa 6aad. . . . . . 6
Codka ardayga Jadwalka maalinta jimcaha
ee Polina fasalka 2aad . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 8
Waxbarida iyo jadwalka fasalada 7aad ilaa 9aad . . . . 10
Codka ardayga Jadwalka maalinta jimcaha
ee Kushal fasalka 7aad. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 12
Maalmaha dugsiga waxaa ka buuxo waxqabadyo. . 14
Ardeyga si wanaagsan u barta luqada
waxey ka caawineysaa waxbarashada iyo
inuu yeesho saaxiibo . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 16
Macalin Päivi Lavonen: ” Tilmaamha S2 waxay
abuuraan Fursadaha mustaqbalka”. . . . . . . . . . . . . . . . . 17
Diinta ama anshaxa. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 18
Qiimayn dhammaystiran. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 19
Wax qabadyada dugsiga ka dambeeya. . . . . . . . . . . . . 20
Sanad dugsiyeedka. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 22
Wada shaqeynta dugsiga iyo guriga . . . . . . . . 24
Waalidka iyo carruurta: ”Waxaynu isticmaalmaa
Wilma si aynu ugala hadalno Macalimiinta arimo”. . 25
Caawimada iyo taageeradda barashada. . . . . . . . . . . . 26
Dhabooyinka waxbarashada ee Finland. . . . . . . . . . . . 28
Bedelka kuwa aan meelna haysan
Ee ku jira waxbarashada dugsiga sare. . . . . . . . . . . . . . 29
La taliyaha waxbarashada ee Tiina Valtonen:
”Waxbaro oo shaqo hel”. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 30
Xog dheeraada oo ku saabsan waxbarashada
iyo tababarka. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 31
Ka akhri sheekooyinkooda boggaga 8 iyo 12
Si fiican u baranaaya afka hooyo iyo
luqadda Finnishka
Ardaydu waxay awood u leeyihiin in ay bartaan marka
ay aad ugu wanaagsan yihiin luqaddooda hooyo iyo
luqadda Finnishka. Tani waa sababta ay ardaydu uga
qayb gasho Tilmaanta S21( Finishka sidii luqadda
labbaad) ilaa xirfadaha luqaddoodu ay joogto heerka
kuwan luqaddooda hooya ay tahay Finnishka. Taa
waxa raaca, ardaydu waxay ay qaadan karaan labba
cashar wiigii si ay u bartaan luqaddooda hooyo.
Waxbadan ka akhri bogga 16 iyo 17
Dugsiga iyo layliska guriga
Wada shaqayn dhow
Xidhiidhka u dhexeeya masuulada iyo macalimiintu
waxa uu ka taageeraa carruurta waxbarashada. Fariimo
maalin walba aha yaa lagu soo diraa oo lagu helaa
internatka.
Waxbadan ka akhri bogga 24 iyo 25
3
Hab ku habboon arday kasta
si ay utagaan dugsiga
Dugsiga dhammayska tirani waa qayb
ka mid ah nolosha dhammaan carruurta
iyo dadka da’da yar ee Finland. Iyaddoo
waafaqsan Xeerka Waxbarashada
Bilowga ah “waxbarashada khasabka
ah waxay bilaabmi doontaa sanadka
mar kaas oo uu ilmahu uu gaadho
toddoba sano. Waxbarashada khasabka
ah waxay dhammaan doontaa marka
manhajka waxbarashada hoose la
dhammays tiray ama toban sano ka
dib bilowga waxbarashada khasabka
ah. Waalidka /daryeelka ardayga
waxbarashada khasabka ah waa in uu
arkaa in waxbarashada khasabka ah la
dhammaystiray”.
Marka la dhammaysto waxbarashada
khasabka, ardayda waxa la siiyaa
shahaado waxbarashada hoose ah.
Shahaadadan waxa loo isticmaalaa
marka meel laga codsanayo dugsiga sare
ama machadka tababarka xirfadaha.
Iskuulka kuugu dhaw
Magaalada Helsinki waxa ay gaysaa
arday kasta dugsiga Aasaasiga goobta
ardaygu ku noolyahay, kan waxaa loogu
yeedhaa dugsiga kuu dhow. Helsinki
sidoo kale waxay leedahay dugsiyo si
gaar ah qandaraas u qaata oo ku jira
shabakada dusgiyada magaalada, siiba
dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo
dugsiyada dowladdu leedahay.
Waxbarshada diyaarinta ah
Ardayda ku cusub Finland waxay ka
qayb qaataan waxbarashada u diyaar
garaynta waxbarashada bilowga ah
haddii aanay lahayn xirfad ku filan oo
luqadda Finnishka ah si ay ugu bartaan
kooxda waxbarashada bilowga ah.
Waxbarashada diyaar garaynta ahi caadi
ahaan waxay ku dhammaataa hal sano.
Intaa ka dib, ardaydu waxaa loo wareejin
doonaa waxbarashada bilowga ah.
Dhinaca waxbarshada ardeyga
uga baahan caawimaad
Ilmo kastaa waxa uu leeyahay qaab
shakhsiyeed iyo qaab socod uu wax ku
barto. Dugsigu waxa uu ka baaraan degi
doonaa baahida gaarka ah ee ilmaha
waxbarashada la siiyo, waxaana jiri doona
dariiqo habboon oo dugsiga qof kastaa ku
tegayo. Waxbarasho taageero leh waxaa
laga heli karaa mid guud, oo ah heer
baahi la gaar yeelay oo kor loo qaaday.
Dugsiga xooga la saaro
maadooyin gaar ah iyo luqado
Ardaydu waxay codsan karaa manhajka
miisaaman ee dugsigu bixiyo ama
waxbarashada luqadda-ajnabiga
Manhajka-miisaanka lihi micnahiisu
waa in ardayda dugsiga ay baran karto
maadooyinka qaar, tusaale ahaan,
muusiga, in ka yar badan inta caadiga ah.
4
Waxbarashada luqadda-ajnabiga
ah qayb ka mid ah waxbarasahda waa
afka Finnishka qaybina waa luqad kale,
ama dhammaan waxbarashadda waxa
ay ku baxdaa luqad kale. Dugsiyada
bixinaya manhajka-miisaanka leh iyo
waxbarashada luqadda ajnabiga ahi
waxay isticmaalaan karti ay iska
leeyihiin si ay u xushaan ardaydooda.
Wax badan ka akhri
www.hel.fi/palvelukartta > Waxbarista
iyo Waxbarashada
Dhammaan adeegyada waxbarashada la
xidhiidha ee khariidadda Helsinki.
Sida loogu diiwaan geliyo
ilmahaaga dugsiga
Waaxda waxbarashadu waxay soo
dirtaa wargelin waxbarasahda
khasabka ah boostadayda qoysaska
ku nool Helsinki. Wargelinta waxa
ku jira faahfaahinta tilmaamaha
diiwaan gelinta.
Haddii qoyskaagu u guuray
Helsinki dhawaan, waa in aad
booqataa xafiiska dugsiga u dhow
gurigaaga ama halka Xogta Waaxda
waxbarashada laga helo.
Waxoogaa
arimo muuqda ah
Qoyska iyo macalinka ayaa kulma ka
hor inta aanu ardaygu waxbarashada
bilaabin. Habkan, dhismaha dugsigu,
fasalka iyo macalinku way is baran
doonaan. Macalinku waxa uu ka
hadli doonaa bilowga dugsiga,
ooxoghayahadugsiga waxa uu wax ka
caawin doonaa arimaha muuqda.
Tilmaamaha macalinka
ee bilowga dugsiga
1. Diyaarso dharka
Ardaydu dibaday u baxaan nusa saacaha.
Jiilaalka, carruurtu waxay u baahantahay
maryo dibada loogu baxo oo diiran oo
dugsiga u qaataan, sida jaakeet suuf ah
ama saraawiil. Dharka dugsiga u gaarka
ah lagama isticmaalo Finland.
2. Baro jidka loo maro dugsiga
Ku cel celi maridda jidka dugsiga adoo la
socda ilmahaaga. Waa muhiim in dugsiga
aad ku soo gaadho wakhti buure ah, wax
yar ka hor bilowga maalinta dugsiga.
Haddii ilmahaagu safro dugsiga
dhowr kiiloo mitir oo uu bas raaco,
metrooga ama tareenka, waa in ay xaq
u yeeshaan kaadhka bilaashka ah ama
tigidh. Waydii xog dheeraada xafiiska
dugsiga.
Magaalada Helsinki waxay qaadaa
xeerar caymis ah xalaada ay yimaadaan
shilal. Caymiska waxa uu ansax ka
yahay dugsiga, marka laga yimaado ama
lagu sii jeedo dugsiga, iyo inta lagu jiro
waxqabadyada ka baxsan dugsiga ee lagu
habeeyay haykalka manhajka.
3. U diyaar garow
Bilaabida dugsiga
Dugsiga ilmahaagu waxa uu u baahan
doonaa shandad, qalin beensal, iyo
maryo ciyaaraha dibada iyo gudaha ah.
Waxbarida, agabka iyo qadadu dugsiga
waa lacag la’aan.
4. Akhri hagahan oo
l hadal ilmahaaga
Kala hadal ilmahaaga wax ku saabsan
wixii su’aalo ah ee ay hayaan. Ku dhiiri
geli ilmahaaga adoo u sheegaya in ay
waydiin karaan macalinka wax kasta.
Maalin kasta oo dugsi waxa ku jira wakhtiyo nusa saace oo gaaban. Ardaydu waxay ku
qaataan nusa saacaha daaradda dugsiga saaxiibadood. Ardayda waa wayni waxay
ku qaadan karaan nusa saacahooda gudaha. Macalimiintu waxay horjoogeeyaan
wakhtiyada nusa saacaha.
5
Waxbarida iyo
jadwalka fasalada 1aad ilaa 6aad
Inta lagu guda jirosanadka u horeeya
ee dugsiga, ardaydu waxay helaan xog
muhiim ah iyo xirfad bilow ah, waxayna
maareeyaan arimaha la xidhiidha
tegida dugsiga. Waxay bartaan in ay
u shaqeeyaan koox oo saaxiibo ay
samaystaan. Tirada maadooyinka iyo
qadarka laylisyada gurigu waxa ay u sii
kordhaan si aayar aayar ah. Maalmaha
dugsigu sidoo kale way sii dheeraadaan.
Manhajka waxbarashadu
wuxuu hagaa shaqada dugsiga
Dugsiyada Helsinka waxa ay raacaa
manhaj gudaha ah oo lagu diyaariyay
aasaaska nuxurka manhajka qaranka.
Waxa ay ka koobanyihiin maadooyinka
la dhigaa, ee ka mid ah arimaha kale ee
waxbarashada la xidhiidh waxaa lagu
go’aamiyaa manhajka gudaha. Manhajku
waxa uu nidaamiyaa waxbarida iyo
dhammaan wax qabadyada dugsiyada.
U qaybinta saacadaha xiisadaha
dhammaan dugsiyada Finland waxaa loo
go’aansadaa qaran ahaan.
Taa waxa raaca, dugsi kastaa waxa uu
leeyahay manhaj u gooniya oo sharaxaya
habka dugsigu u shaqeeyo iyo meesha
xooga la saarayo.
Fasalada 1aad ilaa 6aad
ardeydu waxey bartaan
• Afka Finnishka iyo suugaanta.
Afka Finnishka sidii luqadda
labbaad (S2)
• A luqad
• B luqad
•Xisaab
• Barashada deegaanka iyo
dabeecada*
•Bayoloji
•Juqraafi
•Fisigs
•Kimistari
• Diinta iyo Anshaxa
• Taariikhda iyo cilmiga bulshadda
•Muusig
• Sawirka iyo farshaxanka
• Farsamada gacanta / Tolliinka
• Waxbarashada jimicsiga
* Laga bilaabo 1.8.2016 maadooyinka
bay´olojiga, juqraafiga, fisikiska
iyo kemistariga waxaa lagu dari
doonaa maadada barashada
deegaanka iyo dabeecada.
Casharada dabaasha waa
qayb ka mid waxbarashada
jimicsiga
Fasalada koowaad, ardaydu waxay helaan aqoon bilow ah iyo xirfado.
6
Ardayda fasalada 1aad ilaa 5aad waxay
ka qayb qaataan casharada dabaasha.
Macalimiintu waxay u qiimeeyaan
xirfadaha dabaasha sidii waxbarashada
Jimisiga ah. Ardaydu waxay dabaal u
baxaan afar goor sanadkii.
Tusaale Jadwalka fasalka 2aad
Jadwalka waa qorshaha wiiga.
WAKHTIGA
ISNIIN
8.15–9
SALAASA
ARBACA
KHAMIIS
JIMCE
Kooxda A
Kooxda B
Kooxda B
X
X
v
9–9.45
Kooxda A
Luqadda hooyo
9.45–10.15
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
X
X
10.15–11
X
X
Waxbarashada
jimicsiga
10.50–11.10
Qado
Qado
Qado
Qado
Qado
11-12
X
X
X
X
Waxbarashada
jimicsiga
12–12.15
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
12.15–1
X
Afka Finnishka S2
Afka Finnishka S2
Diinta iyo Anshaxa
Muusig
1–1.15
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
1.15–2
X
Kooxda B
KooxdaA
X
= Cashar fasalkoo dhan, halkaas oo ay ardaydu ku baran doonto mid ka mid ah maadooyinka
soo socda: Bayoloji, Fanka muuqda, Farshaxanka, Xisaab, Afka Finnishka
Afka Finnishka
S2
= Casharka Afka Finnishka ah
S2 (Afka Finnishka ah sidii luqadda labbaad) = cashar Afka Finnishka ah ardayda kobcinaysa
xirfadooda Afka Finnishka ilaa heerka dadka u dhashay ee ku hadla S2 macalinku waxa uu la
qaadaa casharada S2 isku wakhti casharka Afka Finnishka.
Anshaxa
= Casharka anshaxa ardayda aan ka mid ahayn beelaha diineed.
Luqadda hooyo
= Luqada hooyo barashadeeda ardeyga waxaa laga yaabaa inuu u tago dugsi kale
Kooxda A
Kooxda B
= Cashar kooxeed kala badh fasalkoo jooga, Maadooyin kala duwan; xooga saaraya
Farshaxanka iyo Xisaabta
7
Jadwalka
maalinta jimcaha ee Polina
Codka ardayga:
8 da subaxnimo
Polina
”Waxay igu qaadataa shan miridh in aan u socdo dugsiga.
Waxaan imid dugsiga laftaydu oo waxaan kula ciyaaray
daarada dugsiga saaxiibo. Mid ka mid ah kooxahayaga
waxay ka qayb qaataan shinni eryanaysa bisad yar,
iyaddoo qofkii lahaa bisada yar iyo hooyadii bisadu au
ilaalinayaan bisada yar. Mid ka mid ah macalimiintayada
waxa anaga nagu horjoogaynayay daarada dugsiga.”
9-sano jirka Polina
waxay ku jirtaa fasalka
2. Waxay ku noolayd
Finland ilaa markaya
hayd ilmo yar. Polina
Waxay ku dhigataa
dhisamaha Nalli oo
ah qeyb ka tirsan
dugsiga hoose ee
Keinutie. Hooyadeed
waxay ka timid Belarus
aabaheedna waa
Ruush-Finnish ah.
8.15 subaxnimo
”Jalaskiii baa dhacaya. Safkaan la galay saaxiibaday.
Waxaanu u soconay meelaha la sudho koodhadhka
ee dibada ka ah fasalkayaga oo waxaan iska bixinay
dharkayagii dibada lagu xidhanayay iyo kabbahii. Waxay
gashaday kabbahii aan gudaha ku xidhanayay. Gudaha
fasalka waxaan tegay miiskayga oo waxaan dhigtay
shandadayda dhabarka kursigayga dhabarkiisa. Waxaan
fadhiista meel ku xigta Jonne.”
Saacadu markay tahay 8.20 gelinka hore
”Mcalinkayga Miikka ayaa noosheegay in
aanu ku leenahay waxbarashada jimicsiga qolka way
nee dugsiga. Waxaan soo qaatay dharkaygii ciyaaraha
ee gudaha aqalka; saraawiisha guclaynta iyo garan, iyo
tuwaalkaygii iyo dhalo biyo ah. Waxaa jiray hal qol
oo dhar bedelashada ah oo hablaha ah iyo hal qol oo
innamadda ah.
Ugu horayn waxaanu ciyaarnay ciyaarta eryadka iyo
taabashada. Ka dib waxaanu samaynay jiimka; sida
tuurida kiishka faasuuliyaha, iyo u boodida dhinacyada.
Waxbarashada jimicsiga waa mid ka mid ah maadooyinka
dookhayga. Waan jeclahay markaan dhiddido oo aan
laasto tamar badan.
8
Maydhasho ka dib waxaan xidhaa dharkaygii caadiga ahaa ee dugsiga. Waxaan xidhaa
Jiinis, garan iyo funaanad.”
9.45 subaxnimo
”Xiisada sawirka muuqada, waxaanu sawirnay qalabka muusiga ee reer Findland. Sawirkaygu
waxa uu lahaa midab basali soosani leh, cagaar iyo buluug khafiifa. Waan ku fiicanahay wax
sawirka. Maalmaha qaar, waxaanu qaadanaa nasasho si aanu ugu ciyaarno dibada.”
10.15 subaxnimo
”Sayniska Deegaanka iyo dabiiciga waxaanu ka hadalnay bil kasta iyo bisha fasax kastaa
ku beeganyahay. Shrovetide caadi ahaan waa Febraayo, Iistarka gudah Abriil, Maalinta
hooyada ee Maayo, iyo wixii la mid ah.”
10.55 subaxnimo
”Waxaanu tagnay qolka qadada ee dugsiga si aanu u qadayno. Cuntaddu aad
bay u fiicnayd, waxaan cunay kabbaab yar iyo saladh. Sidoo kale waxaan
jeclahay khubusta wax lagu dhex guro.”
11.15 subaxnimo
”Waxaanu qaadanay xaflad 100-bog ah. Had iyo jeer waxaanu qabsanaa xaflad
markaanu dhammayno buug 100 bog ah, sida Xisaabta. Xisaabta weligeed
laguma caajiso. Waxaan ku dabaaldegnay daawashada filimka Rio, ee shimbaraha
u baxa socodka safarka dheer ah. Miikka waa macalin fiican dhab ahaantii. Dhab
ahaan waa mid naxariis badan. Haddii aad khalad samayso, waxa uu kuu ogolaanayaa
in aad isku daydo mar dambe. Waan jeclahay tegitaanka dugsiga”
12 duhurnimo
”Dugsigii waa laga soo rawaxay. Shandadaydaan soo qaataa, oo waxaan xidhaa dharkaygii
dibada oo waxaan tagaa naadigayga dugsiga ka dib. Waxay igu qaadataa dhowr miridh in aan
halkaa u socdo. Gudaha naadiga, waxaan kula ciyaaray saaxiibo oo waxaan ku cunay cunto
fudud. Cuntadda fudud caadi ahaa waa rooti iyo subag leh khudaar ama khudrad daray ah.
Sidoo kale waxaan kaga shaqeeyaa laylisyadayda halkaa. Maanta maan ka shaqayn, maxaa
yeelay weligayo maqaadano laylisyo dhamaadka wiiga.”
4 galabnimo
”Gurigaan keliyag u soo socday. Wakhtiyada qaarkood waxaan tagaa goor hore haddii aan
leeyahay cashar biyaano ah ama casharka ciyaarta.”
9
Waxbarida iyo
jadwalka fasalada 7aad ilaa 9aad
Fasalada 7 ilaa 9, ardaydu waxay
bilaabaan barashada maadooyin cusub.
Maado kastaa waxaa dhiga macalin
gaar ah waxaana lagu dhigaa fasalo kala
duwan.
Waa muhiim in loo soo jeesto
waxbarashda maxaayeelay manhajka
maadooyinka qaar waxaa lagu
dhammeeyaa fasalka 7. Fasalada
maadooyinkan waxay ku hadhi doonaan
shahaadada waxbarashada bilowga ah.
Wax badan ka akhri
Manhajku wuxuu nidaamiyaa
Shaqada dugsiga................................... b. 6
Qiimayn dhammaystiran................... p. 19
Fasalada 7aad ilaa 9aad
waxay ardeydu bartaan
• Luqadda Finnishka iyo suugaanta,
Finnishka sidii luqad labbaad (S2)
• A luqad
• B luqad*
•Xisaab
•Bayoloji
•Juqaraafi
•Fisig
•Kimistari
• Waxbarashada caafimaadka**
• Diinta ama Anshaxa
• Taariikh ama Anshax
•Muusig
• Fanka muuqda
•Farshaxanka
• Waxbarashada jimicsiga
• Dhaqaalaha guriga /cunto karinta **
• Hagitaanka waxbarasho iyo
xirfadeed**
• Maadooyin ikhtiyaar ah
* Laga bilaabo 1.8.2016 maadada
dhaqaalaha guriga / cunto karinta
waxaa ardeyga loogu bilaabi
doonaa fasalka 6aad
** Maadooyin cusub oo bilaabmaya
fasalaka 7
Maalmaha dugsiga waxay sii dheeraadaan marxaladda sare.
10
Tusaalooyinka jadwalka fasalaka 7aad
Jadwalku waa qorshaha wiiga. Dusgi kastaa waa uu isticmaalaa summadahooda.
WAKHTIGA
ISNIIN
SALAASA
ARBACA
yMA72
KiE
A 212 KU
yTN73.1
PeS
27 PeS
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
Nusa saace
yAIS273.1
NiT
A 208
yA2RU71.1
HyH
A2
yHI72
RyP
A 216
yFY71
OnS
A 105 FK
yA2RU71.1
HyH
A2
Qado
Qado
Qado
Qado
Qado
12.15–1.45
yFY71
OnS
A 105 FK
yLIP72.1
MäJ
LI
yAIS273.1
NiT
A 208
yMA72
KiE
A 105 FK
yHI72
RyP
A 216
1.45–2
Nusa saace
LV.A HMN
Nusa saace
Nusa saace
2.15–3.45
yET71.1
LaM
A 102
8.15–9.45
9.45–10
10–11.30
11.30–12.15
yMA72:
y = Dugsiga dhexe
MA = Maadada xisaabta
72 = fasalka iyo lambarka kooraska
KiE = Magaca macallinka oo la soo
gaabiyey
A 212 KU = Nambarka fasalka
yA2RU71.1:
y = marxalada sare ee dugsiga
dhammayska tiran
A2 = intay gaadhsiisantahay waxbarashu,
maadadu waxay bilaabantay fasalka 4
RU = Af Iswiidhish
71.1 = 71 fasalka iyo lambarka kooraska,
.1 ardayda waxaa loo kala qaybin karaa
kooxo kala duwan
HyH = waxaa loo soo gaabiyaa magaca
macalinka
A2 = summada fasalka
11
KHAMIIS
JIMCE
yTN73.1
PeS
27 PeS
LV.A HMN = Horjoogaha fasalka
xisada uu la kulmayo ardeyda
fasalkiisa
Jadwalka
maalinta jimcaha ee Kushal fasalka 7aad
Codka ardayga:
7.45 subaxnimo
Kushal
”Waxaan u baxay dugsiga, aniga laftaydaa
baska raaca. Maanta, dugsigu waxa uu
bilaabmay saacada 8.15 subaxnimo, sidaasna
waa sadex maalmood wiigii. Maalmaha kale,
dugsigu waxa uu bilaabmaa 10 subaxnimo.
Maalmaha dugsigu caadi ahaan waxay
gaadhaan 5 ilaa 7 saacadood.”
Kushal oo 13 sano jir
ah waa Fasalka 7aad
dugsiga dhexe ee
Vesala. Kushal iyo
qoyskiisa reer Nebaal
waxay u soo guureen
Finland markuu ahaa 7.
8.15 subaxnimo
”Farsamo gacanta ah, waxaanu samaynay
mishiinka wareega ee electarooniga ah.
Macalin Sauli ayaa noosheegay sida loo
sameeyo. Waxaan jeclahay in aan sameeyo
wax, waxaan rabaa in aan noqdo injineer.
Waxaan doortay Farsamada gacanta
waxay ahayd maado ikhtiyaar u ah fasala
8 iyo 9. Waxaan ku baranayaa korka
maadooyinkayga khasabka ah.”
9.45 subaxnimo
”Wakhtiga nasashada, waxaanu tagnay
garoonka kubbada oo ku yaal daarada
dugsiga si aanu u ciyaarno kubbada cagta.
haddii aanaan anagu kubbada cagta ciyaarin,
waxaan la hadli lahaa saaxiibaday ama
waxaan ku ciyaari lahaa ciyaaro moobilka.
Nasashooyinku waxay u wanaagsanyihiin
wakhti laqaadashada saaxiibada iyo
helitaanka hawo daray ah.”
10 subaxnimo
”Waxaanu ka leenahay macalin gaar ah
12
maado kasta, si ka duwan fasalada hoose. anigu waan la qabsaday taa.
Macalinkayaga Af Iswiidhishku wuu maqnaa macalin bedelkii ah ayaanu
haysanay. Waxaanu baranay magac uyaalada lahaanshaha: kaygu waa min
keeduna waa hennes. Casharku waa fiicnaa.”
11.30 subaxnimo
”Qadadayadu ugu badnaan waa saacad. Qadada waxaanu cunay sabaayad
wadata caleenta koostada, aad bay u fiicnayd. Anigu waxaan ahay Hinduu,
waxaan cunay kalluun, digaag iyo cuntadda qofka aan hilibka cunin.
Cuntooyinka qofka aan cunin hilibku maalin walba waa diyaar.
Khubustu waa dookhayga.”
12.15 gelinka dambe
”Waxaanu qaadanay imtixaanka taariikhda ee gumaysiga. Petri,
macalinkayaga, ayaa sheekooyin nooga sheekeeyay, ku saabsan
dagaalkii maandooriyaha Obyamka ee u dhexeeyay Ingiriiska iyo
Shiinaha, tusaale ahaan.
Wiigan, waxaanu qaadan dhowr imtixaan. Waxay kiciyaan
dareenkayga, laakiin maaha sidii fasaladii hoose. Taasi waa maxaa
yeelay aad baan ugu soo jeedaa waxbarashada marka casharada la
qaadanayo. Waxaan u dhegaystaa si feejigan waxa macalinku yidhaahdo.”
1.45 gelinka dambe
”Dugsigii waa laga rawaxay waxaan tegay gurigii. Caadi ahaan waxaan
laylisyada ka shaqeeyaa ka dib dugsiga ka dibna waxaan arkaa saaxiibaday.”
5.30 gelinka dambe
”Wxaan u baxay si aan u tago fasalka luqadda hooey, Neebaaliska ee Dugsiga
Dhammayskatiran ee Itäkeskus. Macalin kaygu waa Khimanand. Sadex
kooxood baan wax ku baraan: kuwa ugu yar yari waxay bartaan alifbeetadda,
kooxda dhexana waxay barataa in ay ku hadlaan qoraanna, ardayda ugu
wayni waxay bartaan taariikhda Neebaal. Anigu waxaan ku jiraa kooxda
dhexe. Way fiicantahay in aad taqaano afkaaga hooyo, maxaayeelay ka dib
waxaan u noqon karaa waalidkay turjubaan haddii ay fahmi waayaan weedh
Finnish ah, tusaale ahaan.”
13
Malmaha dugsiga waxaa ka buuxa waxqabadyo
Cuntooyinka dhadhanka fiican ee dugsiga
Cuntadda maalin laha ahi waa u bilaash carruurta.
Haddii carruurtu xasaasiyad leeyihiin, ama
cuntooyin dheeli tiran, masuuliyiintooda ayaa ku
wargeliya dugsiga.
Gacan ku samaynta alaabta
Farsamada gacantu waa maadaada dookh u ah arday
badan. Casharada, ardaydu waxay sameeyaan alaabta
nooc kasta oo loox ah iyo bir, waxayna tijaabiyaan
elektarooniga.
Farsamada
tiknoolajiyada u
dambaysay
Macalimiintu waxay
ku isticmaalaan
wax dhigistooda
farsamadii
tiknoolajiyada casri
ah ee u dabmaysay.
14
Leh fasalada ee
heerarka hoose
Deegaanka waxbarasho
Dareenkeedu
waa badbaado,
maxaayeelay ardaydu
waxay haystaan
macalimiintooda
casharada
badankoooda waxaa
lagu bixiyaa fasal isku
mid ah. Macalinku
waxa uu taageeraa
awooda arday
kasta, taas oo dhista
kalsoonidooda.
Deegaano waxbarasho oo kala duwan
Ardayda iyo mcalimiintooda baranaya kalluunka
Finlanad ee caadiga ah, kalluunka milixda leh ee
Baltiga, gudaha casharka Bayolojiga. Wakhtiyada
qaarkood ardaydu waxay u baxaan si ay u
sahamiyaan deegaanka dabiiciga ah ama waxay
u baxaan booqashooyin. Waxaa dhici karta in ay
arkaan kalluumayste, tusaale ahaan.
Waxbarasahda jimicsiga dibada iyo gudaha
Jiilaalka, ardaydu waxay tegi karaan si ay barafka ugu dulmaraan biro
ama loogu riixo xiisadahooda Jimicsiga. Xagaaga xiisadaha waxaa ku jira
orodka iyo barashada Ciyaarta qaranka Finnishka ee Baysboosha, pesäpallo.
Waxbarashada jimicsiga waxay ka dhacdaa gudaha qolka way nee dugsiga.
15
Ardeyga yaqaan luqada waxay ka caawineysaa
waxbarshada iyo
inuu saaxiibo yeesho
Ardaydu waxay ku bartaan luqaddo badan
dugsiga. Garashada luqaddaada hooyo
iyo afka Finnisku waxay ku siisaa saldhig
waxbarasho oo xoog leh. Xirfadaha
luqaddu waxay kuu qaadi karaan meel fog.
sii socon doontaa ilaa xirfada luqadda ay
gaadhaan heerka ku hadlayaasha dadka u
dhashay afka Finnishka.
Afka hooyo
Waxbarashada afka Hooyo waxa uu ka
taageeraa ardayda koboca iyo xifditaanka
luqaddooda hooyo waxaanu xoojiyaa
aqoonsiga dhaqanka ardayga. Xirfadaha
wanaagsan ee afka hooyo sidoo kale waa
agabka xogta waxbarashada iyo luqadda.
Afka hooyo waxaa lagu dhigaa dugsiga labba
saacadood wiigii dugsiga xaafada ama dugsi
kale Masuuliyiintu waa in u diiwaan geliyaan
ardayda waxbarashada Afka hooyo markay
dugsiga bilaabaan. Xogta jadwalka afka
hooyo waxaa laga heli karaa xog hayaha.
Afka Finniska sidii luqadda labbaad
Ardayda, kuwaas oo afkooda hooyo
aanu ahayn Finnishka, waxay ku bartaan
afka Finnishka S2 casharada, kuwaas
oo ah Finnishka sidii luqadda labbada.
Casharada S2 maaha kuwa sixid ah ama
waxbarashadagaarka ah. Waxay la mid
yihii afka Finnish casharada luqadda iyo
suugaanta.
Waxbarashada S2 waxaa lagu bixiyaa
sidii koox yar ama sidii xidhiidhiya
luqadda Finnishka ah iyo suugaanta.
Haddii ardayda waxbarashada S2 ay ka
qayb qaataan waxbarasahda luqadda
Finnishka iyo suugaanta, bandhigooda
waxaa lagu qiimeeyaa si waafaqasan S2
S2 manhajka . Waxbarasahda S2 waxay
Luqada qasabka iyo luqada
A ee la doorto
Dusgiyada Helsinki waxay bixiyaan
luqaddo ajnabi ah oo aad u kala
duwan. Xulashada luqaddu waxa uu ku
xidhanyahay dugsiga.
Fasalada hoose, ardaydu waxay
bartaan luqadda A sidii maado muhiim
ah. Luqaddan waxay noqon kartaa
Ingiriisi, Isbaanish, Faransiis, Iswiidhis,
Jarmal ama Ruush. Taa waxa raaca,
ardaydu waxa ay baran karaan luqadda
A ee doorashada ah. Kuwa bedelka ah
waxaa ka mid ah Ingiriisi, Isbaanish,
Faransiis, Iswiidhis, Jarmal ama Ruush.
Maadadda muhiimka ah iyo luqadda
doorashada ah ee B*
Marxaladda sare, ardaydu waxay bilaabaan
barashada maadadda muhiimka ah ee
kale, luqadda B. Caadi ahaan waa luqadda
rasmiga ah ee labbaad ee Finland, Iswiidhish
ilaa ardaygu bilaabo ubarasahdeeda sidii
luqadda A. Taa waxa raaca, waxay qaadan
karaan luqaddo sidii maadooyin la dooran
karo. Luqaddaha ikhtiyaariga ah waxaa ka
mid ah Isbaanish, Talyaani, Shiine, Laatiin,
Faransiis, Jarmal, Ruush, iyo Istooniyaan.
Waxbarashada luqadda dugsiga dhammayska tiran
Goor hore
Luqadda A
Luqadda A
Aan khasab ahayn
Luqadda A
Waxay u sii socon doontaa
sidii mid ikhtiyaari ah
Luqadda A
Luqadda B *
Luqadda B2
1
2
3
4
5
6
7
8
Luqada uu horey u soo bartay ee A = fasalka 1aad ama 2aad ayey
bilaabataa
Luqadda A = luqad guud oo bilaabmaysa fasalka 3
Luqad aan khasab ahayn = luqada aan khasabka ahayn ee ka
bilaabmaysa fasalka 4
Luqadda doorashada ah ee A = luqad aan khasab ahayn oo ka
bilaabmaysa fasalka 4, taas waxay noqon doontaa ikhtiyaari luqadda A ee
fasalada 7 to 9
Luqadda B = luqad guud oo bilaabmaysa fasalka 7,
* laga bilaabo 1.8.2016 barida luqada B waxay bilaaban doontaa fasalka
6aad
Luqadda B2 = maado ikhtiyaari ah oo ka bilaabmaysa fasalka 7 ama 8
9 Fasalka
= Luqadaha qasabka ee loo dhigo ardeyda dhamaan
16
Macalin Päivi Lavonen: ”S2 barashadu waxay abuurtaa
fursaddo mustaqbalka”
”Ardayda u baahan in ay bartaan
xirfadaha afka Finnishka sidii muftaaxa
waxbarashada iyo is dhexgalka wax ku
oolka ah ee bulshadda Finland. Ardayda
ku hadasha afka Finnisku waxay codsan
karaan waxbarasahda dugsiga sare sida
kuwa u dhashay ee ku hadla Finnishka.
Shahaadada bixida dugsiga sare ee
guud, Finnishka sidii luqadda labaad (S2)
waxay la mid tahay luqadda Finnishka
iyo suugaanta. Ardayda dugsiga sare ee
guud xataa waxay geli karaan imtixaanka
shahaadada dugsiga sare ee S2.
Ardayda luqaddaha badani waxay u
baahanyihiin taageerada mid ka mid ah
goobaha luqaddaha badan lagaga hadlo.
Waa suura gal in arday uu ku hadli karo
luqadda si fiican, laakiin kelmaddahoodu
aanay ku filnayn. Waxyaabaha luqadda
Finnishka ku jira waxaa ka mid ah
hadalka, qoritaanka, akhriska, fahanka,
kelmaddaha waa wayn iyo dhismaha.
Waxbaristaydu waxay raacdaa
manhajka. Inta badan waxaan la hadlaa
macalimiinta fasalada marxalada hoose
iyo macalimiinta marxalada sare si aan u
ogaado mowduucyada ay ku bixinayaan
casharadooda sidaasna waxaan ugu
xisaabtami karaan wax dhigitaankayga.
Tusaale ahaan, waxaynu casharada S2 ku
baran karnaa taariikh- ama kelmaddaha
bayolojiga la xidhiidha.
Caadi ahaan waxaan waxbaraa
arday koox isku da’ ah sidii koox yar
1 ilaa 3 wakhti wiigii. Dhammaan
ardaydu waxay wax u bartaan habab
kala duwan, sidaas darteedna waxaan
isticmaalaa qaabab kala duwan: ciyaarta
kaadhadhka, ciyaaraha, sawirada,
doorka jilidda, caaga matalka, iwm. Si
la barbar dhigi karo casharada luqadda
Finnishka iyo suugaanta, aragtida
barasahda luqadda Finnishka waxy kala
duwanaan kartaa casharada S2. Tusaale
ahaan waxaynu baran karnaa isbedelada
ficilka sida waafaqsan sida kelmaddu ku
dhammaadaan.
Waxaan ku siin karaa dhowr tusaale
oo dhigitaanka ah. Fasalada sadexaad,
waxaanu u akhrinaa sheekooyin kuwaas
oo ardayda bara wada sheekaysiga.
Intaa ka dib, waxay qoreen wada
sheekaysigooda caagag dhaqaaq
samaynaya oo xawayaan ku bandhigaan.
Fasalada sagaalaadna, anagu waxaanu la
dhex marnay ka shaqaynta kelmaddaha
waa wayn iyo Qoraal akhris ah.
Faallo celintii ugu wanaagsanayd
shaqadayda? Xaqiiqdii markay
carruurtu aad u xiiseeyaan
waxbarashada oo aanay doonayn in
ay fasalka ka tagaan. Waan jeclahay
in aan arko carruurtii kobcinaysa
xirfadahooda luqadda.”
17
Macalinka S2
Päivi Lavonen
Päivi Lavonen waxay ka dhigtaa
Finnishka sidii luqadda labbaad
(S2) Dugsiga hoose ee Kaisaniemi
iyo dugsiga dhexe ee Kruunuhaan.
Waa macalimad takhasus u
leh luqadda Finnishka iyo
suugaanta taas oo ku takhasustay
waxbarashada S2.
Diinta ama Anshaxa
Arday kasta waxa uu soo xaadiri
doonaa mid uun casharadda Diinta ama
Anshaxa.
Finland waxay leedahay labba
kaniisadood oo qaran, sida Diinta
Evangelican-Luthetheren iyo
Oosodhokska waxaa lagu dhigaa
dugsiga.
Ardaydu waxay xaadiri karaan
waxbarashada diintooda sida diinta
Islaamka ama Kaataloga. Masuuliyiintu
waa in ku ay diiwan geliyaan foom gaar
ah waxbarashad diintooda.
Haddii ardaydu aanay diinba haysan,
waxay xaadiri karaa casharada anashaxa.
Anshaxau waxa uu ka koobanyahay
falsafad iyo cilmiga bulshada dhaqanka
iyo diinta.
Arday kastaa waxa uu xaadiri doonaa mid uun casaharada Diinta ama Anshaxa.
18
Qiimayn
dhammays tiran
Macalimiintu waxay uqiimeeyaan si
caadi ah waxay ardaydu ku barteen
dugsiga. Qiimayntu waxay toosisaa
waxbarashada ardayda waxayna
taageertaa waxbarashadooda. Ardaydu
waxay bartaan in ay ujeedooyin u
dejiyaan waxbarashadooda, shaqada iyo
waxqabadyada kuwa kale. Dhammaan
tan waxay dhistaa kalsoonida sidii arday.
Siyaabo kala duwan
oo lagu qiimeeyo ardeyga
Qiimayntu waxay tixraacdaa faallo celinta
afka ah iyo darajaynta lambarada ay
bixiyaan macalimiinta, iyaddoo ku salaysan
ujeedooyinka loo dejiyay manhajka.
Fasalada u horeya, macalinku waxa
keliya oo uu ardayda siin doonaa faallo
celin afka ah, intabadana darajaynta
lambarada ah waxa keliya oo uu ka
dhacaa fasalada 5 ama 6. Lambarada
darajaynta ahi waxa keliya oo ay muhiim
aad u noqdaan marxalada sare. Arday
kastaa waxa uu helaa warbixinta dugsiga
ee sanadlaha ah gudaha xiliga gu’ga.
Qadarka iyo foomka qiimaynta
waxay ku kala duwan yihiin dugsi
ilaa dugsi waxaana lagu diiwaaniyaa
manhajka. Xirfadaha luqaddu waa in
aanu xanibin qiimaynta. Dugsigu waa
in uu noqdaa mid u debecsanaada
siinta ardayda fursaddo ay ku soo
bandhigaan xirfadahooda iyadoo aan
loo eegin xirfadooda luqadda. Tusaale
ahaan, ardayda waxay muujin karaan
xirfadooda sawirka iyo sheegida, haddii
aanay qori karin afka Finnishka weli.
Shahaadada kama dambeysta
Waxbarashadu waxay noqotay mid aad u
muhiima fasalada 7 ilaa 9, maxaayealay
ardaydu waxay isticmaali doonaa
waxbarashadooda shahaadada hoose si
ayu codsadaan waxbarashada dugsiga
sare. Shahaada hoose waxay muujin
doontaa darajooyinkauu ka helay ardaygu
fasalka 9, sidoo kale darajooyinka lagu
helay fasalka 7. Maxaa yeelay manhajka
maadooyinka qaar, sida muusiga waxaa
lagu dhammeeyaa fasalka 7.
Heerka qiimanyta qaranka waxaa la
isticmaalaa marka la bixinaayo shahaadada
waxbarashada hoose. Heerka qiimayntu
waxa uu hubiyaa in qiimayntu ay
simantahay qayb kastoo ka mid ah Finland.
Haddii ardaygu aan la siin karin
shahaadada hoose ee waxbarashada
iyaddoo ay ugu wacantahay isagoo
u soo guuray Finland dhammaadka
marxalada sare ee dugsiga dhammayska
tiran, ardaygu waxa uu sii wadan karaa
waxbarashada isagoo tegeya dugsi kale. Si
kastaba ha ahaatee, way mudan tahay in la
dhammeeyo maadooyinka fanka iyo kuwa
gacanta laga qabto, sida waxbarashada
jimicsiga iyo Muusiga, marxalada sare ee
dugsiga dhammayska tiran.
Akhri in dheeraada
Dhabooyinka waxbarashada
ee Finland...............................................p. 28
Bedelaadaha kuwan meel la’antu hayso
Ee waxbarashada dusgiga sare............ p. 29
Tiina Valtonen la Taliye waxbarasho:
”Baro oo hel shaqo”............................... p. 30
Qiimayntu waxay toosisaa waxbarashada ardayda oo
waxay taageertaa waxbarashadooda.
19
Waxqabadyada dugsiga
waxbarashada ka dib
Dugsiga ka dib, carruurtu waa in ay
ciyaaraan, ka qayb galaan hiwaayadaha,
oo ay ka shaqeeyaan laylisyadooda. In
badan oo ah ardayda fasalada koowaad
iyo labaad ayaa tan us sameeya sidii qayb
wax qabadyada dugsiga ka dib ah ama
waxqabadyada abaabulan ee garoonka
ciyaarta. Ardayda waa wayni waxay ka qayb
gali karaan naadiyada dugsiga. Naadiyada
iyo waxqabadayada dugsiga-ka dib waxay
ka taageeraan guryaha iyo dugsiga korinta
waxayna kor u qaadaan koboca carruurta.
Hojoogayaal tababaran ayaa ka
masuula ah carruurta inta lagu jiro
waxqabadyada dugsiga-ka dambeeya.
Waxqabadyada waa la abaabula maalin
kasta labbadaba kuwa gudaha iyo
kuwa dibada. Ka sakow waxqabadyada
qorshaysan, carruurtu waxay ka fekeri
kartaa ciyaar madax banaan iyo nasasho
qaadasho.
marka goobta waxqabadyada dugsiga ka
dib gudaha xiliga gu’ga.
Waxqabadyada
dugsiga- kadib ee garoomada
Dhammaan carruurta waxaa lagu soo
dhowaynayaa waxqabadyada dugsiga ka dib
garoomada lacag la’aan. Cunto fudud baa la
siiyaa oo kharash laga bixinayo. Carruurtu
waa in ay is diiwaan geliyaan si loogu
keeno cuntadda fudud. Waxqabadyada
garoomadu waxay dhacaan inta u dhexaysa
12 duhurnimo iyo 5 gelinka dambe.
Naadiyada dugsiga
Dugsiyo badani waxay sameeyaan
naadiyo la horjoogeeyo gelinka dambe.
Waxqabadyada gelinka
dambe ee dugsiga
Dugsiyadu, ururo kala duwan, kooxaha
kaniisada iyo hawl wadeenada gaarka
ah waxay abaabulaan waxqabadyada
gelinka dambe ee kooxaha maadooyinka
ka dambeeya dugsiga oo kharash leh.
Carruurta waxa la siiyaa cunto fudud inta
lagu jiro galabnimada. Waxqabadyada
dugsiga ka dib waxay bilaabmaan
dhammaadka maalinta dugisiga oo waxay
dhammaadaan 4 ilaa 5 gelinka dambe.
Masuuladu waxay codsadaan meelo
20
Naadiyadu way kala duwan yihiin dugsi
ilaa dugsi. Tusaalooyinka qaar waxaa
ka mid ah Naadiga Ingiriisiga, Naadiga
Cunto karinta, Naadiga Baaskit boosha,
Naadiga Faloorboosha iyo Naadiga
Kombuyuutarka. Wixii xog dheeraada
ah ee ku saabsan naadiyada waxaa laga
heli karaa shaqaalaha dugsiga.
Wax badan ka akhri
www.edu.hel.fi/iltapaivatoiminta
Waxqabadyada dugsiga- ka dib ee xaga
dugsiga
www.hel.fi/leikkipuistot
Waxqabadyada dugsiga- kadib ee
garoomada
Waa wakhtiga ciyaarta naadiga dugsiga- ka dib.
21
Sanad dugsiyeed
Xiliga dayrta
Ogosto
Ku soo
dhowow
dugsiga!
Wakhtiga la
bilaabayo
dugsiga iyo
xiliga dayrta.
Sebtember
Oktobar
Fasaxa dayrta
ee ardayda.
Nofambar
Diisambar
Janaayo
Maalinta
xornimada
Finland waxaa
loo dabaaldagaa
6.12. dugsiga
waa fasax.
Xiliga gu’aga
waxuu
bilaabmaa oo
ardayduna
waxay ku
soo noqdaan
dugsiga.
Fasaxa
Kirismasku
Wuxuu
bilaambaa
dabayaaqada
diisambar.
Fasaxu waxa uu
ku dhammaadaa
ilaa 2 wiig.
22
Xiliga Gu’ga
Febraayo
Dhammaadka
Febraayo,
ardaydu waxay
leeyihiin fasaxa
Guga hal wiig.
Maarso
Fasaxa xagaaga
Abriil
Iistarkuna maalmo ayuu
dugsigu fasax yahay.
Maayo
Maalinta
shaqaalaha
waxaa loo
dabaaldagaa
1.5.
Maalinta
Asenshan
waxay ka
dambaysaa
40 maalmood
Iisterka.
23
Juun
Juulaay
Sanad dugsiyeedka
wuu dhamaaday, ardey
walba waxaa la siinayaa
shahaadada sanad
dugsiyeedka. Ardeyda
waa fasax bilaha juun iyo
juulaay. Fasax wanaagsan!
Fasaxyo qaado inta lagu
jiro fasaxyada dugsiga
Sidii qofka masuulka ah, waa in aad
qorshaysaa fasaxa qoyska sidaas
daraadeed waxay la jaanqaadaan
fasaxyada dugsiga . Tani waa in
la hubiyo in aanay carruurtaadu
dib uga dhicin dugsiga. Haddii
ilmahaagu u baahanyahay wakhti
uu fasax ka noqdo dugsiga ujeedo
gaar ah, waa in aad usoo gudbisaa
codsiga fasaxa macalinka fasalka.
Tusaale ahaan, fasax diineed oo uu
xuso qoyskaagu waxa uu noqon
karaa sabab gaar ah. Fadlan hubi
in ilmahaagu uu barto wax walba
isaga ama iyada ka maqan marka
uu dugsiga ka maqanyahay.
Wada shaqaynta dugsiga iyo
Iskaashigu u dhexeeya macalimiinta iyo
masuuladu waxa uu ka caawiyaa ardayda
waxbarashada iyo korniinka. Waxay ka
dhigtaa wax fudud oo mowduucyada
adagna kuwa lagu maarayn karo
falanqayno qarsoodi ah.
Wada xidhiidhka labbada-qaab ahi
waa muhiim: masuuladu waxay masuul
ka yihiin waxbarashada khasabka ah ee
ilmaha iyo korninta, macalimiintuna
taageerada ilmaha gudaha bulshadda
dugsiga.
Barnaamijka Wilma
Xidhiidhka wiig kasta ah ee u dhexeeya
macalimiinta iyo masuulada waxa uu
ku dhacaa isagoo maraya barnaamijka
elektarooniga ah ee Wilma. Waxaa la
isticmaali karaa wakhti kasta qalabyo
kala duwan, sida kombuyuutarada,
taabladada iyo telefoonada taabashada.
La kulanka waalidka
Macalinka fasalku caadi ahaan waxa uu
muddo kooban la kulmaa masuulada
mar ama labba jeer sanadkii kulan 15
miridh ah oo loogu yeedho rubucii
waalidka. Kullanka, macalinka dugsiga
iyo masuuladu waxay ka hadlaan
arimaha la xidhiidha waxbarashada
ardayga iyo dugsi dhigashada.
guriga
Shirka waalidiinta
Macalinka dugsigu caadi ahaan waxa
uu soo abaabulaa habeenka waalidka
gudaha dayrta. Macalinku waxa uu ka
hadli doonaa manhajka, wax dhigitaanka
iyo arimo kale oo la xidhiidha dugsiga.
Waa muhiim in macalinka fasalku iyo
masuuladu la kulmaan.
Guddiga waalidiinta fasalka
Waalidku waxay dhisan karaan guddi
fasal si ay u abaabulaan dhacdooyinka
oo lacag ugu uruuriyaan safarada
bixintaanka, tusaale ahaan.
Jimciyadda waalidka
Waalidku waxay ka qayb qaadan
karaan waxqabadyada jimciyada
waalidka dugsiga. Jimciyaddu waxay
abaabushaa dhacdooyin sida falanqaynta
mowduucyada waalidka.
Guddida dusgisa
Dugsi kastaa waxa uu leeyahay guddi
dugsi oo xubno waalidku ka yihiin.
Guddiga dugsigu waxay gaadhaan
go’aanka ku saabsa manhajkadugsiga,
shaqaale joogta ah oo wax dhiga iyo
miisaaniyad. Wuxuu sidoo kale waxa
uu usoo bandhigaa manhajka dugsiga
Waaxda Waxbarashada ee Helsinki
ogolaanshaha.
24
Waalidka iyo carruurta:
”Waxaan isticmaalnaa fariimahana isugu
dirnaa macallimiinta barnaamijka wilma”
Olga: ”Anaga waalidku, waxaanu maqalnay
markii ugu horaysay Wilma habeenka
Waalidka xaga dugsiga. Macalinku waxa
uu na tusay sida loo isticmaalo. Way
fududahay in la isticmaalaa.”
Wada sheekaysi lala yeeshay Waalid
Shiine ah Ying Hua Cai (bidix) iyo
gabbanteeda Kitty Zheng, ah da’da 15,
iyo waalidka u dhashay Litwaaniya
Olga Hernesniemi iyo wiilkeeda
Hermanni Hernesniemi, ah da’da 16
(midig). Hermanni iyo Kitty waxay
aadaan dugsiga dhammayska tiran ee
Ressu.
Ying: ”Waan jeclahay Wilma, waxay
iga caawisaa in aan kula socdo waxa ka
dhacay dugsiga. Waxaan ku isticmaalaa
Wilma telefoonkayga taabashadadhowr
goor wiigii. Waxaanu ku isticmaali
karnaa Wilma taabaladada iyo
kombuyuutaradameel kasta oo micno
ma leh inta wakhtigu yahay.”
Olga: ”Caadi ahaan waxaan ka akhriyaa
fariimaha Wilma kombuyuutarka
caadiga ah xaga shaqada. Waxaan ka
helaa wargelinta fariimaha Wilma
iimaylkayga. Macalimiintu waxay
noo sheegaan arimaha khuseeya
fasalka iyo dugsiga, tusaale ahaan
tartanka kubbada kolleyga ee
soo socda, iyo goorta Hermanni
hawl fiican ka qabtay dugsiga,
iyo haddii ay wax
khaldameen. Sidoo
kale waxaan u
qori karaa fariimo
macalinka. Tusaale
ahaan, waxaan qori
karaa in Hermanni
uu ka maqnaan
doono xiisadaha
qaar berri maxaa
yeelay waa in uu u
tagaa dhakhtarka
ilkaha.”
25
Ying: ”Ilamhaagu waxa uu kugu caawin
karaa oo kugu dhiiri galin karaa in aad
isticmaasho Wilma haddii aad ku dhib
mudato Finnishka ama aad leedahay
dhibaatooyin kale.”
Hermanni: ”Ardaydu way isticmaalaan
Wilma wakhtiyadoo dhan. Waxaan u
isticmaalaa in aan ka eego fariimaha
macalinka ee ku saabsan layliska guriga,
imtixaanada soosocda, darajooyinkayga,
iyo waxyaabokale.”
Kitty: “Sidoo kale waxaan u isticmaalaa
Wilma waxyaabaha Hermanni sheegay.
Sidoo kale waxaan ku habeeyay
kullamada mashurru oo waxaan
kula xidhiidhay macalimiinta anoo
isticmaalaya Wilma.”
Olga: ”Waxaad ku gelaysaa
aqoonsigaaga iyo kelmaddaada sirta
ah Wax la falanqayta macalimiintu
sir bay ahaataa iyaddoo isticmaala
kastoo Wilma ah leeyahay helitaanka
xuquuqo xadidan. Waalidku waxay
keliya arki karaan fariimada iyo xogta
qusaysa ilmahooda. Waxaan kula
talinayaa Wilma qof kasta, waalidka iyo
carruurta.”
Ying, Kitty and Hermanni: ”Anaguna
sidaasoo kale.”
Caawi oo taageer waxbarashada
Dusgiga dhammayska tiran ee Helsinki
waxa uu bixiyaa taageero kala duwan oo
bedeli kara shaqada dugsiga.
Noocyada guud ee taageerada waxaa ka
mid ah
• Layliskayo isbedbedala iyo
waajibaadyo kala duwan
• wax ku barashada kooxo isla qabsan
kara
• wax baritaan la hormarin karo
• waxqabadyada naadiyada
• xiliga wakhtiga waxbarashada gaarka
• adeegyada daryeelka ardayga
Haddii la isla garto masuulada
in taageero dheeraad ah loo
baahanyahay oo barashada ah, qorshaha
waxbarashada shakhsiga ayaa loo
diyaarin karaan ardayga, iyadoo la
duubayo ujeedooyinka iyo qaababka
waxbarida. Qorshe taageero guud
ah yaaloo diyaarin doonaa ardayga
laga wareejinayo waxbarasahda
diyaargaraynta ee loo wareejinayo
waxbarashada guud.
Gurigu waxa uu ka ciyaaraa door
muhiim ah taageerida barasahda iyo
koboca ilmaha. Horumarka barashada
waa la qiimeeyaa, heerka taageeradu
waxaa lagala hadlaa masuulka.
Haddii ardaygu uu u baahanyahay
taageero dheeraad ah, waa wax suuragal
ah in laga fekero taageero kor loo qaadayo
amago’aan lagu bixinayo taageerada
baahida gaarka ah. taageerada baahida
gaarka ahi waxa uu ka koobanyahay
baahiyaha gaarka ah ee waxbarasho ee ee
gudaha fasalka, ama dugsi gaar ah.
Halwadeenada dugsiga ee
waxbarashada Arimaha daryeelka
Dugsi kastaa waxa uu leeyahay kooxda
waxbarasahda iyo xirfad yaqaanada
daryeelka. Adeegyadoodu waa kuwo
lacag’laana.
Kooxda daryeelka ardayda
Kooxda daryeelka carruurtu waxa
uu ushaqeeyaa si uu kor ugu qaado
ladnaanta iyo badbaadada xaga dugsiga,
iyo caadi ahaan waxa uu ka koobanyahay
maamulaha, kalkaalisada dugsiga,
dhakhtarka cilmi nafsiga dugsiga iyo
shaqaale bulsho, macalinka baahida gaarka
ah iyo la taliyaha hagitaanka. Dugsi kastaa
waxa uu leeyahay farsamo uu kaga hawl
galo mushkiladaha iyo hanjabaada.
Macallinka gaarka ah
• Wuxuu caawiyaa ardeyga
waxbarashada ku adag tahay.
• waxa uu kala shaqeeyaa macalimiinta
kale qorshaynta taageerada ardayda kale
Shaqaalaha bulshadda dugsiga
• waxa uu ka caawiyaa ardayda leh
dhibaatooyin la xidhiidha tegitaanka
dugsiga, saaxiibada iyo la qabsiga
isbedelka
26
• kala hadlaa arimaha guriga iyo
korninta masuulada
Khabiirka cilmi nafsiga
• wuxuu tallaabo qaadaa markay
arday dhibtaatooyin ka haystaan
waxbarashada, soo jeedka dareenka
ama caafimaadka maskaxda
• kala hadlaa arimaha guriga iyo
korninta masuulada
Dhakhtarka
• sameeyaa baadhitaan caafimaad
Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga
• samaysaa baadhitaan caafimaad oo
jidhka ah si sanadle ah
Wax badan ka akhri
Waalidka iyo carruurta: ”Waxaanu
u isticmaalnaa Wilma si aanu ugala
hadalno macalimiinta arimaha ”
U qaad carruurtaada xarunta
caafimaadka haddii ay bukaan.
Haddii ilmahaagu uu xanuusado
oo uu u baahanyahay daawayn,
u qaad iyada ma isaga goobta
caafimaad si aad u aragto kalkaaliso
ama dhakhtar. Ha iloobin in aad
ku wargeliso macalinka wax ku
saabsan maqnaashaha ilmahaaga
adoo isticmaalaya barnaamijka
Wilma.
Kalkaalisada dugsigu waxa ay qiyaastaa oo miisaantaa carruurta sanad kasta.
27
Wadankan Finland
fursadaha waxbarasho ee ka jira
Dhabooyin badan baa kuu hogaaminaya shaqooyin. Waa wax wanaagsan in laga fekero bedelaado waxbarashooyin
kala duwan ah xaga guriga iyo la taliyaha hagitaanka dugsiga. Waxaa jira bedel u fiican qof kasta!
Jaamacadaha 3 ilaa 5
sanadood
Dugsiyada xirfadaha sare 3 ilaa 4
sanadood
Dugsiyada sare 3 sanadood
Dugsiyada xirfadaha lagu barto
Diyaar garaynta
tababarka ee
waxbarashada dugsiga
sare ee guud(LUVA)
1 sano
Waxbarasho
dhammaystiran oo
dheeraada (fasalkii
hore ee 10aad)
1 sano
Waxbarashada
dhammayska tiran
ee dadka waa wayn
1 sano
Diyaar garaynta xirfadaha
waxbarashada bilowga
ah ee muhaajiriinta iyo
kuwa kale ee aan ku hadal
afka Finnishka iyo afka
Iswiidhishka(MAVA) 1 sano
Waxbarshada dugsiga aasaasiga 9 sanadood
Waxbarashada dugsiga ka horaysa, 1 sano
28
Fursadaha kale ee u furan ardeyga aanan helin
dugsiga aasaasiga ka dib waxbarasho
Ardayda usoo guurtay Finland waxa ay
leeyihii ikhtiyaaro badan haddii ay meel
ka waayeen ka guud ama dugsiga sare ee
tababarka xirfadaha.
1. Sii wadashada waxbarashada
gudaha manhajka dugsiga
dhammayska tiran
A. waxbarashada dheeraadka ah ee
dhamayska tiran (fasaladii hore ee 10aad)
Haddii ardayda la siiyay shahaadada
waxbarashada hoose, isaga ama iyadu
waxay horumarin karaan darajooyinkooda
waxbarashada dhammayska tiran,
sidaasna waxay kaga helayaan boos
waxbarasahda dugsiga sare.
Codsashada: www.opintopolku.fi
B. Waxbarashada dhammayska
tiran ee dadka waa wayn
Ardayda aan dhammaysan dugsiga
dhammayska tiran waxay dhammaysan
karaan manhajkii aanay dhammaysan
ee dugsiyada bixinta waxbarashada
dhammayska tiran ee dadka waa wayn.
Waxbarashada dhammayska tiran ee dadka
waa wayn, ardaydu waxay baran karaan
manhajka labbadaba marxaladaha hoose
iyo sare ee dugsiga dhammayska tiran.
Dugsiyada waxbarasahda bixinaya:
• Helsingin aikuislukio
• Eira Dugsiga Sare ee Dadka waa
wayn
• Töölön yhteiskoulun aikuislukio
• Kulliyada Diakonia ee Helsinki
Codsashada: Iyaddoo la soo marayo
dugsiyada
2. Tababarka diyaargaraynta ah ee
waxbarashada dugsiga sare
A. U diyaar garaynta tababarka xirfada
bilowga ah muhaajiriinta iyo kuwa
aan ku hadal afka Finnishka iyo afka
Iswiidhishka(MAVA)
Ardaydu waxay bartaan koorsooyinka
tababarka xirfadaha kala duwan oo
waxay qorsheeyaan doorashooyinka
mihnadahooda.
Codsashada: www.opintopolku.fi
B. Tababarka u diyaar garaynta
waxbarashada dugsiga sare(LUVA)
Ardaydu waxay horumariyaan xirfadaha
luqaddooda Finnishka oo waxay
bartaan farsamooyin, iyo xirfado looga
baahanyahay waxbarasahda dugsiga sare
ee guud. Sidoo kale waxay qaadan karaa
koorsooyinka dugsiga sare ee guud.
Codsashada: www.opintopolku.fi
Wax badan ka akhri
www.opintopolku.fi
Xogta ku saabsan dugsiyada iyo
jaamacadaha Finland
29
La taliyaha waxbarashada Tiina Valtonen:
”Waxbaro oo shaqo hel”
“Waxbarashadu waa wax qiima leh,
waanay fududahay in la helo shaqo oo
laga xoogsado Finland adoo sita takhasus.
Shahaadada waxbarasahda bilowga ahi waa
muhiim maxaayeelay waxaa loo isticmaala
in lagu codsado waxbarasho kale oo
dheeraada. Habka wada jirka ah ee codsiga,
ardaydu waxay codsadaan tabar xirfadeed
ama waxbarasahda guud ee dugsiga sare.
Haddii qof da’ yar u soo guuray Finland
oo ku jiray marxaladii u dambaysan ee
dugsiga sare ee dhammayska tiran oo
aanu haysan wakhti ku filan in uu gaadho
waxbarasahda shahaadada bilowga ah,
looma baana walaac. Gudaha Finland,
ardaydu waxay u kala guuraan dugsiyo kala
duwan iyaddoo ujeedadu tahay helitaanka
shahaadada waxbarasahda bilowga ah.
Waa wax xusid mudan in maadooyinka
fanka gacantu, sida muusiga, waxbarashda
jimicsiga, aan lagu dhigan karin dugsiga
dhammayska tiran, sidaas darteed waxa xaq
mudan in lagu dhammaysto maadooyinkaa
marxalada dugsiga sare ee dhammayska tiran.
Waxaa ujira ikhtiyaaro badan dadka
da’da yar ka dib dugsiga dhammayska
tiran. Waxaa jira fasalka 10naad iyo
tababarka diyaar garaynta ee xirfadaha
ama waxbarashada dugsiga sare ee guud.
Waxay ka caaawiyaan ardayda in ay
horumariyaan fursadahooda helitaanka
booska waxbarasahda dugsiga sare.
Ardayda iyo masuulada waa
in ay raadiyaan xogta mihnadaha
dugsiyada iyaga xiiso geliya inta lagu
jiro waxbarashada dugsiga sare ee
dhmammayska tiran. Dhammaan ardaydu
waxay u baahanyihiin caawimada iyo
dhiirigelinta masuuliyiintooda. Dugsiyadu
waxay abaabulaan maalmo furan iyo
habeenada waalidka ee ku saabsan habka
codsiga wada jirka ah.
Habka codsiga dhammayska tiran ee
meelaha waxbarashada dugsiga sare waxa uu
ka dhacaa fasalka sagaalaad gu’ga. Bedelaado
badan oo waxbarashada ah baa jira waxaana
lagu faafiyaa boggaga internatka ee Waaxda
Waxbarasahda Helsinki.
Anoo ah La taliyaha hagitaanka,
waxaan ka caawiyaa ardayda in ay arkaan
awoodooda, in ay qorshaystaan ikhtiyaarada
waxbarashadooda oo ay ay isticmaalaan
khayraadkooda. Sidoo kale waxaan bixiyaa
hagitaan shakhsiyeed, oo waxaan wax u
dhigaa kooxo yar iyo fasalo badan.
Maanta, ka hor waraysigan, waxa ii
joogay xafiiskayga arday ka raadinaya
kombuyuutarka xog ku saabsan
shaqooyinka xagaaga. Wakhtiyada qaar
waalidka iyo turjubaan baa yimaada,
waxaan jeclahay la kullanka masuuliyiinta
iyo ardaydoo wada jir ah, sidaas darteedna
dhammaantayo waxaanu ka wada
hadli karnaa dugsiga qofka da’da yar iyo
waxbarashooyinka dheeraadka ah.
Had iyo jeer way iga farxisaa marka
dadka da’da yar loo ogolaado tababarka
iyo in ay ka qayb noqdaan bulshadda.”
30
La taliyaha hagitaanka
Tiina Valtonen
Tiina Valtonen waa la taliyaha haga
ee Dugsiga Dhammayska tiran ee
Myllypuro, marxalada sare. Hal
haysta dookheeda ahi waa "cid
walba way heli doontaa meesheeda”.
Iyaddoo ah la taliyaha hagitaanka
Tina waxay caawisaa dadka da’da yar
si ay uga fekeraan waxbarasahdooda
iyo mustaqbalkooda.
Wixii xog dheeraada ah
ee ku saabsan waxbarashada iyo tababarka
Waaxda Waxbarashada
xogta iyo xafiiska adeega caawinta
Adeegyada shakhsiyeed waxaa laga heli
karaa telefoonka. 310 86400,
[email protected]
Furan ayaamaha wiiga dhammaadkiisa
8.15 gelinka hore – 4 gelinka dambe
Hämeentie 11 A, 3rd floor,
Helsinki 53, PL 3000,
00099 City of Helsinki
facebook.com/helsinginopetusvirasto
www.edu.hel.fi
Xogta ku saabsan waxbarashada iyo
tabbarka Helsinki
Sidoo kale eeg bogga internatka ee
dugsiga kuu dhow:
Manhajka dugsiga u gaarka ah,
luqaddaha la bixiyo, maalmaha shaqada
iyo fasaxyada, maalmaha xogta,
xogta goboleed ee waxqabadyada
dugsiga ka dambeeya, iwm.
31
www.hel.fi/palvelukartta >
Opetus ja koulutus
Dhammaan adeegyada waxbarashada la
xidhiidha ee dusha khariidadda Helsinki
www.opintopolku.fi
Xogta kus aabsan dugsiyada iyo
jaamacaddaha Finland
Waxaa daabacay Waaxda Waxbarashada ee Magaalaada Helsinki, nashqada D3, sawirada Rhinoceros iyo P&N Nisonen Oy, waxaa daabcay Kirjapaino Uusimaa, 11/2014.
Xogta hagaha waxaa la xaqiijiyay Maayo 2014. Waxaa noo xafidan xaqa in lagu sameeyo isbedel. Xogtii u dambaysay ka eeg www.edu.hel.fi iyo boggaga dugsiyada.

Similar documents

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo Islaamiyiinta

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo Islaamiyiinta ciidamo Itoobiyaan oo dhan 3000 (Sadex Kun) kuwan oo guri guri u baari doona degaanadda ay cagta sii marinayaan. Ciidamadda Itoobiya ee waqtigan ayaan ka baqayn sidii ciidamadii hore Itoobiya in la...

More information