ilays - SomaliTalk.com

Transcription

ilays - SomaliTalk.com
ILAYS
WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN OO LAGU DAABACAY MADBACADDA HORYAAL BOSASO
FEBRUARY 18 2009- Caddadkii 7aad, Tell:-761613 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh
Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaaso
Madaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke
Bosaso, 16,feb,2009, ilays
AMINARTS:SHAYDAAN SAWIRE
EEG BOGGA 4AAD
S
hir Jaraa’id ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan
Shiikh Maxamed Faroole waxaa uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarunta Madaxtooyada ee Magaaladda
Boosaaso. Madaxweynaha ayaa
ugu horayntii Saxaafada u sheegay
inuu aad u soo dhoweynayo hadaladii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh
Shariif Shiikh Axmed u magacaabay
13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid
Sharmarke
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul
Wasaaraha cusub xilka loo doortay.
Waxaa kaloo uu Madaxweynaha
DGPL intaas ku daray Iin Ra’iisal
Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo
jeedo qoys tariikh ku leh Soomaaliya.
Zenawi:- Shaki Kama Qabo
Madaxweyne Sheekh Shariif
EEG BOGGA 2AAD
EEG BOGGA 2aad
FAALLO
Shariifka & Sharma’arke: Xal
Ma U Helayaan Soomaaliya?
H
ayaan aad
u
dheer
ayuu Shiikh
Shariif u soo galay
hanashada
Kursiga
hogaaminta
Soomaliya. Waa la
hubaa inaan saldhigashada Kursigaas
mudo ku dhow Labaatan sano
Raisul Wasaare
Cumar C/rashiid Cali
Somaliya: Sun Ma lagu Aasay?
‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’
EEG BOGGA 7AAD
EEG BOGGA 3aad
Madaxweynihii Hore
C/rashiid Cali Sharma’
Madaxweynah Somalia
Sheekh Shariif Sh. Ahmed
GOLIS TELECOM SOMALIA
Marketing Dept.
LANDLINE FEATURES
Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 2aad & 3aad
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
Ilays Newspaper founder.
Abdi Shakuur Mire Aadan
Managing Editor
Omar said Mohe’d
712246
Editor
Omar said Mohe’d
Design and Layout
Omar Said Moh’ed
Reporter
Bashiir M.M
711613
KU SOO HAGAAJIYA
FIKARADIHIINA
[email protected]
2
ILAYS NEWSPAPER
Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaaso
Bosaso, 16,feb,2009, ilays
Shir Jaraa’id ayaa Madaxweynaha
DGPL
Dr.Cabdiraxmaan Shiikh
Maxamed Faroole uu ku qabtay 14
Feb 2009 Xarunta Madaxtooyada ee
Magaaladda Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii Saxaafada
u sheegay inuu aad u soo dhoweynayo hadaladii Ra’iisul Wasaaraha
cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u
magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar
Cabdirashiid Sharmarke
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul
Wasaaraha cusub xilka loo doortay.
Waxaa kaloo uu Madaxweynaha
DGPL intaas ku daray in Ra’iisal
Wasaare
Cumar
Cabdirashiid
ka soo jeedo qoys tariikh ku leh
Soomaaliya. xillgii uu Raisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ka ahaa
Lixdamaadkii. Waxaa Madaxweynaha DGPL carabka ku adkeeyey
in mashaariicdii horumarineed ee
Aabihii Soomaaliya u qabtay weli
raadkoodii ka muuqdaan Berbera
ilaa Kismaayo. Waxaa kaloo uu intaas ku daray inuu wax weyn ka qaban doono Dr.Cumar Cabdirashiid
arrimaha Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu meesha ka saaray mugdi la
filayey inuu siyaasad ahaan soo
kala dhexgalo Maamul Goboleedka
Puntland iyo Dawladda Midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif
Shiikh Axmed, horay ayey DGPL
uga biya diiday sida loo soo xulay
xubnaha Barlamaanka Midnimada
Qaran ka mid noqonaya.iyagoo
Puntland ku adacootay inaan laga
talo gelin xulida xubnaahaas ku fariisanay kuraasta Puntland.
Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha Puntland ayaa amaan u soo
jeediyaey Dawladda Jabuuti isagoo
sheegay inay door weyn ka ciyaartay
sidii la isugu keeni lahaa shacabka
Soomaaliyeed isagoo ka dhawaajiyey inuu booqasho ku tegi doon
dhowaan wadanka Jabuuti.
Waqtiga uu booqashada ku joogay
Madaxweynuhu Magaaladda Xarunta u ah Ganacsiga Puntland ayaa
waxaa uu kulamo kala gooni gooni ah
uu la qaatay bulshada noocyadeeda
kala duwan. Ururada Bulshada , ganacsatada , odayaasha, saxaafadda
iyo weliba aqoon yahanada iyo indheergaratada. Kulamadaas ayaa
waxaa aad loogu gorfeeyey xaalada
wadanku marayo iyo sida loogu baahan yahay in laga dhabeeyo isbedelkii uu maamulka cusubi ku yimid.
Madaxweynuhu waxaa kaloo uu
socdaalkiisa ku soo maray goobaha
kaabayaasha dhaqaalaha
sida dekeda Bosaaso iyo Garoonka
diyaaradaha ee Boosaaso, waxaa
uu booqday Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Jaamacadda Bariga Africa,
xarumaha Gobolka iyo kan degmadda, Isbataalka Boosaaso iyo weliba
isagoo dhagax dhigay ceel Cusub oo
biyaha Boosaso siin doona.
Waxyaabaha ka dhashay booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa ugu
mudnaa balanqaadka DGPL iyo ganacsatadu kaalinta ay ku yeelanayaa
dib u dhiska Isbataalka Magaaladda
Boosaaso. Waxaa kaloo aad loogu
riyaaqay dayactirka wada qur ah ee
laamiga ah,isla markaana dhexmarta Boosaaso oo runtii ah mid aad u
dayacnayd xilligan.
Mudada kor u dhaaftay labada
todobaad ee Madaxweynaha DPL
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ku sugnaa Boosaaso ayaa la
oran karaa waxaa uu ku soo afjarmay safarkiisu mid lagu guulaystay
iyadoo safarkaasi uu ahaa midkii
ugu horeeyey ee Madaxweynaha
iyo ku xigeenkisu ku gaalaabixiyaan
Boosaaso. Iyadoo Madaxweynaha
DGPL iyo waftigiisii ayaa dib ugu noqday Garowe duhurnimadii Maalintii
Iniinta eek u beegnayd 17 Feb2009
isagoo u kiciimay Garowe Caasimada DGPL.
Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif
Shir jaraa’id oo uu qabtay Ra’iisul
Wasaaraha Itoobiya Meles Zanaawi ayaa waxaa uu ku xaqiijiyey
inuu maamulkiisu si wanaagsan oo
aan ka dhici maamulkii ka horeeyey ula dhaqmi doono maamulka
ay hogaaminayaan Shiikh Shariif
Shiikh Axmed iyo Ra’isul Wasaare
cumar C/rashiid Cali
Zanawi ayaa Laba Sano ka hor waxaa uu u arkayey inay khatar xoog
leh kaga soo fafayso wadankiisa
Ethiopia xoogagii Maxkamadaha
Islaamiga ahaa ee ka adkaaday
Qaqablayaashii Muqdisha. Waxaa
uu ahaa ninka u diray Ciidamadiisa
inay galaan gudaha Somalia, isla
markaana soo burburiyaan
dagaalyahanadii
Maxakamadaha
Islaamiga ahaa ee uu hogaamiyaha
u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Intuu socday shirkaas Jaraa’id ayaa
saxaadadu waxay ka qod qodeen
Ra’iisul Wasaare Meles Zanaawi inuu
sheego khasaaraha naf iyo maalba
leh ee dalkiisa uga baxay faragelintii
uu ku sameeyey Somalia. Waa ka
warwareegay isagoo diiday inuu ka
faaloodo jabkiisa nafeed iyo dhaqaale ee dalkiisa soo gaaray.
Zanaawi waxaa uu daaha ka qaaday
inuu dhamaaday faragelintii ciidan
ee uu ku sameeyey Gudaha Soomaaliya. .isagoo intaas ku laray inaan
ciidamadiisu dib ugu laaban doonin
Somalia. Waxaase uu si hoose u
sheegay isagoo bidhaaminaya danaha gaarka ah ee Ethiopia ka leedahay Somalia.
inaanay ka horjoogsanayn Ethiopia
inay ciidamadeedu ka talaabaan
xuduuda iyagoo soo fulinaya hawlgalo lama huraan u ah Ethiopia..
Zanaawi waxaa uu daboolka ka qaaday in dawladiisu taageerto qabiilooyin Somalida ah, kuwaas oo ka
soo horjeeda Kooxda Al-shabaab.
Waxaa uu hadalkiisa ku daray in
beeshii kolkii hore bud-dhigaha u
ahayd Al-Shabaab ay iminka ka soo
horjeedo. Si darana ula dagaalamayso. Beeshaas (Cayr) waxay u
baahnaan doontaa Taageero. Etiopia
diyaar ayey ula tahay.
Mar wax laga weydiiyey Shiikh Shariif
Shiikh Axmed oo uu waqti u arkayey
inuu hogaamiyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee sida weyn dawladda Ethiopia uga soo horjeeda waxaa uu yiri
Meles Zanaawi:Intii muda ahba Ethiopia waxa ay la
lahayd xiriir Shiikh Shariif.intaas ka
dib waxaa uu daba dhigay inaanay
Ethiopia haynin wax ogaansha ah
oo muujinaya in Shiikh Shariif ka tirsanaa ururo argagixiso ah. Balse uu
ahaa Islaamiiste keliya, taasna Ethiopia wax dhib ah uma aragto.
IshaWararka:-Wakaaladaha Wararka
GOLIS LANDLINE FEATURES
Call forwarding
Si aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:
�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#
Callwaiting
Si aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#
Sidee laysaga xiraa adeegan #58#
Ogaansha waqtiga
Fadlan
garaac: #*32
Callback on busy
Wakeup
time
Sidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul
Sidee
line-ka
guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad
kaa noqday markale adiga:
balanta
leedahay:
Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga
Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac
ku soo wacayaa :
Tusaale: 1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
FAALLO
Shariifka & Sharmarke: Xal
Ma U Helayaan Soomaaliya?
Hayaan aad u dheer ayuu Shiikh
Shariif u soo galay hanashada Kursiga hogaaminta Soomaliya. Waa
la hubaa inaan saldhigashada Kursigaas mudo ku dhow Labaatan sano
ay Soomaalidu hardan dheer ugu jirtay siday maruun u heli lahaayeen
hogaamiya mideeyo oo mar qur
ah dib u soo cesha karaamadii iyo
sharaftii ay ku lahayd caalamka
Madaxweynaha Midnimada Qaran ee lagu doortay Jabuuti waa
Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Gudoomiyihii Maxkamdaha Islaamiga
ahaa, macalin wax ka dhigi jiray
dugsiyada Muqdisho, mid ka mid
ah. Gudoomiye Maxkamd Shareecada wax ku xukunta ee Jawhar ku
ooli jiraty, hogaamiyihii duurka galay ee ka dibna isu dhiibay Kenya.
Horseedihii Mucaaradkii Dib U Xoraynta Soomaaliya. Hogaamiyihii
heshiiska la galay Dawladii Federaalka, kolkii Isbahaysigii laba u kala
dhanbalmay. Siyaasi Islaami ah, isla
markaana reer galbeedku soo yara
dhoweystaan,.ninkii Itoobiya la diriray; balse maanta aan sidii hore ugu
cadcadeyn dagaalkeeda,.nin ay inta
badan ka biya diideen siyaasadiisa
kooxaha Jihaad doonka Soomaaliya oo uu beri madax u ahaan jiray
xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waa u
col dawladiisa Midnimo Qaran. Waxaa kaloo ka soo horjeeda kooxaha
wadaniyadu madax martay iyo weliba hogaamiyayaasha qabiilka oo
ay ku daaban yihiin qabqablayaashii
hore.
Shiikh Shariif inkastoo loo tiriyo nin
dadka Soomaalida ah badankoodu
la dhacsan yihiin ,haddana waxaa
jira dhimbilo dab ah oo hoos ka nool.
kuwaas oo gubi kara isu ururinta
xaabada lagu midaynayo Somalia
Si loo dhayo damqashooyinka boogihii hore ee Soomaalida kala geeyey,
waa in la helaa dhaymo caafimaad
qabta oo lagu dabiibi karo dhaawaca
bukuunka ah. Haduu Barlamaanku
doortay Shiikh Shariif ,waxaa uu
isaguna Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali
Sharmarke 13 Feb 2009
3
ILAYS NEWSPAPER
Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa
uu hadalkiisa ku sheegay
“Ujeedada aan halkaan isugu nimid
waxay tahay magacaabistii Ra’iisul
Wasaaraha, kadib markii aan aragney qodobka 44-aad ee Axdiga KMG
ah, ee awooda siiniya magacaabista wasiirka Koowaad, markii aan
tixraacey heshiiskii Jabuuti oo ahaa
in Xukuumad Midnimo Qaran la soo
dhiso, markii aan la tashadey Xildhibaanada, siyaasiinta, odeyaasha
wax-garadka, Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Aqoonyahanka
Soomaaliyeed, waxaan u magacaabey Wasiirka Koowaad ee Dowlada
Midnimada Qaran Mudane Cumar
Cabdirashiid Cali Sharma’arke,
maanta oo ay taariikhdu tahay 13/
02/2009-ka, wasiirka 1-aad waxaa
laga rajeynayaa inuu ku shaqeeyo
daacadnimo, hufnaan, firfircooni
iyo karti, kuna wajaho dhameystirka
dibu-heshiisiinta soona dhiso Xukuumada tayo leh oo u adeegta dadka,
dalka iyo Diinta Shacabka Soomaaliyeed”.
Dr.Cumar
Cabdirashiid
Cali
Sharma’arke oo kadib magacaabistiisa hadal gaaban ka jeediyey islamarkaana aqbaley magacaabista
xilka loo dhiibey ayaa wuxuu yiri
“waxaan dareensanahay xilka la ii
magacaabey culeyka uu leeyahay
iyo marxalada uu dalka marayo, waxaana na horyaala hawlo fara badan,
waxaase jira fursado abuuraya yididiilo, waxaana loo baahan yahay in
laga gudbo caqabadaha jira”.
14 Feb 2009 ayaa Barlamaanka
Soomaaliya waxaa uu aqlabiyad
ku ansixiyey magacaabistii Ra’iisul
Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali
Sharmarke. Intaas ka dib ayaa waxaa la odoasi karaa hawsha culus
ee hortaal labadan hogaamiye ee
ka midka ah dhalanyaradii dhalatay
xoriyadii Soomaaliya ka dib. Ma shalana arrimaha dhicanyada badan ee
xalintooda laga sugayo. Waxaa soo
baxaya su’aalo dhowr ah oo ku wajahan sida loo furdaamin karo is diidanaanta siyaasadeed ee kooxaha
kala aragtida ah ee ka jira gudaha
Soomaaliya.
Isku dayo badan ayaa la sameeyey
xilligii burburka qaranimadii Soomaaliya, marwalbana waa lagu guul
daraystay sidii loo soo celin lahaa
dawlad Soomaaliyeed oo isu keenta
qarankaas kala tegay. Hadaba xal
ma u helayaan Madaxweyne Shiikh
Shariif oo ka soo jeeda kooxaha Islaamiyiinta oo iyaga qudhooda qaybo
ka mid ahi siyaasad ahaan diidan
yihiin Shariifka iyo Ra’iisal Wasaare
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
oo siyaasad ahaan u janjeera dhinaca reer galbeedka, ahna siyaasi
cilmaani ah (scholar).
Marka la isku dardaro niyad samid
hogaanka cusub ee Soomaaliya yeelatay, waxaa la qabaa yiidiilo ka wanaagsan sanadihii la soo dhaafay ee
Soomaaliya ku soo dhexjirtay dhibaatooyinka dhinacyadda badan lahaa.
TAARIIKH NOLOLEEDKII
RA’ISUL WASAARE CUMAR
Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid
Cali sharma’arke Da’diisu waa 49 jir,
waxaana dhalay Alle Ha u Naxariistee Madaxweynihii Hore ee somalia
C/rashiid Cali sharma’arke.
Mr sharma’arke waa Aqoonyahan
ku takhakhusay Culuumta siyaasada iyo dhaqaalaha, waxaana uu ka
qalin jebiyay Jaamacada Carlton
University ee Magaalada Ottawa ee
dalka Canada. Sanadkii 1984 ayuu
ka qalan jebiyay Jaamacadii Umada
ee Muqdisho, waxaana uu ka qaatay
Shahaado cilmiga dhaqaalaha.
Sharma’arke waxaa
uu ka soo
shaqeeyay Wadamada Suudan iyo
Sierra-leone isagoo u shaqeeynayay
Qaramada Midoobay, Sanadihii 2000
ilaa 2007, ka dib intuusan Hakad
gelin markii ay soo weerareen Kooxaha kacdoonka ka wada Darfur oo
dhaawac u gaystay.
Ra’isul Wasaare Sharma’arke waxaa
kaloo uu ka soo shaqeeeyay Bangigii
Horumarinta ee somalia iyo shirkadii
coca-cola oo uu ka ahaa xubin iyo la
taliye,
Mr Sharma’arke:- Waan La
Hadlayaa Ururka Al-Shabaab
Ra’isalwasaaraha dawlada KMG ah
ee Somaliya Cumar Cabdi-rashiid
Cali Sharma’arke ayaa wareysi
uu wadajir ugu siiyey wakaalada
wararka Reuters wuxuu kaga hadley arimo kala duwan oo ay ka mid
yihiin qaabka ay noqon doonto dalwada cusub ee lagu wado in uu soo
dhiso, in dawlada ay ka qayb noqon
doonaan xoogaga ka soo horjeeda
ee Al-Shabaab, hanjabaadii ka soo
yeertey kooxda Al-Qaacida, falalka
burcad badeeda, dadka ka qaxay
deegaanadoodii, isbadalka dastuurka iyo nidaamka asxaabta badan,
arinta Somaliland iyo arimo kale.
Ra’isalwasaare Cumar, waxaa uu
sheegay in xukumadiisu ay Mudnaanta Kowaad siin doonto Amaanka, Arimaha siyaasada iyo dib-uHeshiisiinta Dalka
Mar la waydiiyay Ra’isalwasaare
Cumar Qaabka uu wajahayo Ururka Al-shabaab, waxaa uu yiri “Ma
doonayno colaad, waxaana kuwa
kale ugu baaqaynaa xaqiiqdii inay
bilaabaan wadahadal, waxaan ku
dhameyn karnaa waxa inaga dhaxeeya wadahadal, waxaan u baahanahay inaan ogaano muxuu yahay
khilaafka iyo muranka AL-Shabaab
ay maanta ku dagaalamayaan, khilaaf caynkee ah ayay u adeegsan
karaan inay ku diidaan Madaxweynaha ama aniga, sidaasi darteed
waxaan filayaa inaanay jirin wax ku
keeni kara inay dagaalamaan maanta, waxaana ugu baaqaynaa xaqiiqdii iyaga, inay eegaan halka uu ku
dambeeyey wadanka 18-kii sano ee
ugu dambeeyey, xaqiiqdii waxaan
isku dayaynaa inaan la fariisano oo
aan la hadalno iyaga (Al-Shabaab),
ka dawlad ahaan ma doonayo inaan
abaabulno ama ka fakarno dagaal,
waxaan isku dayaynaa inaan u yeerno oo aan casuuno cid kasta, koox
kasta oo siyaasadeed, qof kasta oo
banaanka ka jooga qorshahan, ee
rajeynaya in la wadahadlo, rajeynaya in loo dhaqaaqo dariiq kasta,
waxaana isku dayi doonaa inaan
abuuro oo aan ka dhigo dawladan
mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan”
Isha Waraysiga:-SBC/Reaters
GOLIS LANDLINE FEATURES
CALLCONFERENCE
Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference
�Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale
garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference
�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto
kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana
taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay
Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobilekaaga Gacanta
�
Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed
message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu
qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto
tusaale [email protected] [email protected]
�
dabadeed dir fariinta.
NB: dal iyo Dibadba waa isku mid
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
4
ILAYS NEWSPAPER
Soomaaliyeey: Ha Quusan ! Ha Quuran!.
W.Q.Cabdiraxman M.Cabdullahi (Baadiyow
Waxaan muddo dheer ku soo jirnay
sheekooyin khiyaali ah iyo mashariic
laga leeyahay meelo Soomaaliya ka
baxsan oo wada hoorsaday fashil
iyo qarab-jab, hadana dadkeyni welli
wax badan oo waayo aragnimo ah
kama baran oo fikirkii iyo ficilkii welli
halkisi. Waxaan noqonay goobtii lagu
fuliyay dagaalkii qaboobaa (cold war)
aya oo qarankeynu curdanka yahay,
waxaan noqonay goobtii dagaalka
sokeeye ee dawladnimadeynna lagu
dumiyay, waxaan noqonay goobtii
dagaalka loogu magic daray “ la dagaalnka argagixisada”, waxaan noqonay goobtii dagaalka goboleedka
ka dhexeeya Itoobiya iyo Eriteriya.
In kasta oo eedda inteeda badan la
saari karo hogaanka siyaasadeed
ee qaranka, hadana, waxaa la dhihi
karaa waa cudur Somaali caam noqday, waa balaayo oodda laga qaaday oo fiday, waa fitno meelo badan
ku luga fidsatay oo ku neefsatay.
Waxaa aan ka dambi yareen madaxda siyaasadeed aqoonyahaanada
la shaqeynayay maxadda oo runta
u sheegi waayay, u fasiri waayay
dhibaatadooda, la kala saftay reerahooda, ka qeybgalay dagaaladooda,
kuwa ka qaxay oo afka xirtay, kuwa
niyad-jabka la jiifa guryahooda. Waxaa nasiib daro noqotay in mar
kasta la arko aqoonyahaan hoos ordaya jabhadaha iyo kuwa dagaalada
hurinaya,kuna mashquulsan danyar
oo gaar ah, tii qaranka iyo tii uu wax
u-bartayna iska iloobaya oo caqligiisu noqday sida ruux aan weligii dugsiba la geyn oo qaran iyo qabiilkiisa
aan kala garaneyn.
Haddi ummadu qaran-jabto sida Somaaliya oo kale, oo xaalkeydu gaaro
iney noqoto hilib meel banan ah waran
oo haadka iyo habaar-dugaag micidda iyo cidiyaha ku qaadayaan, waxaa loo baahanyahay, aqoonyahaano
aan niyad-jebin, wax-garad guuldarada diidda, dhallinyaro fir-fircoon,
naado cusub oo maarada uhaatiya
oo hogaan leh, mabd’a leh, qorsho
leh, mashruuc qaran ah. Waxaa loo
baahanyahay fikir qaran-dhis ah iyo
ficil abaabulan oo baraarujin iyo hawl
tusaalayn hor keeni kara ummada
quusatiinada joogta, si rajadu usoo
noqoto. Waxaa loo baahanyahay
waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo
mid bulsho oo isku xiran oo aan saldhig iyo asaas ka dhigan reernimada,
dagaal lagu guuldarestana aan la gelin jiritaaka reeraha. Waxaa loo baahanyahay in niyad-jabka laga xuroobo,
oo loo arako dhib kasta inuu yahay
imtixaan xagga Ilaahey, fursad
AMINARTS:- SHAYDAAN SAWIRE
Amin Camir Oo ay Cabsi Weyni Soo Foodsaartay
Bosaso, 14 feb, 2009, Somalitalk.com
Madaxweynaha DGPL, C/raxmaan
Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id
oo uu Boosaaso ku qabtay Feb 14,
2009 waxa uu si kulul uga hadlay
sawir gacmeed uu dhawaan sameeyey Amiin Caamir.
Sawir Gacmeedkaas oo uu Amiin
Caamir ku muujiyey wax u eg warshad lacag soo qufeysa oo uu si
muuqata ugu dul qoray “Warshada
lacagta ee Faroole”. Waxaana ku
sawiran sawir qof gashan ama xiran dhar madduul leh oo dhahaya,
sida qoraalku muujinayo, “Puntland
Dhaqaale Xumo ayaa ka jirta ee Lacag la’aani kama jirto”
Dr. Faroole oo arrintaas ka hadlayey
waxa uu yiri “Hawshii naloo xilsaaray
(markii aqlabiyad nalaku doortay) iyo
ballaan qaadkii aannu samaynay,
barnaamijkii dawladda waxaa ka
mid ahaa inayan dhici karin marna
waxaan dadka maslaxadiisa ahayn
in aan laga shaqayn, waxaan xagga
dhaqaalaha wax weyn ka sheegnay,
inaannu la diri doono sicir bararka,
lacago aan la daabaci doonin, cid
soo daabacdana aanaan ogolaan
dooni in ay dalka ku daabacaan
ama dibadda ay ka keenaan.”
Waxana uu intaas ku daray “Dacaayado raqiis ah oo dad hadba qof
inta dhawr doolar u tuuro jaraa’id
wax ku qorqora ama websiteyo wax
ku qorqora, ama sawiro ayaa dacaayad (borobagaando) raqiis ah
meelahaas furaya ay ka mid tahay
ninkan Amiin Caamir la yiraahdo oo
halkaan aad hadda sawirkiisa ku arkeysaan.”
Dr. Faroole oo hadalkisii sii watey
waxa uu yiri “idinka ama cid kale ha
ahaatee waa ogolahay in wixii jira oo
aduunka ka jira la baahiyo oo dadka
la gaarsiiyo, laakiin been abuur u
dul qaadan meyno ama dibad halaga sameeyo ama gudaha halaga
sameeyee. Waa dacweyneynaa,
Garyaqaanno ayaanu qabsaneynaa, kana hari mayno waxyaabaha
dacaayadda ah ee lagu burburinayo
horumarka dalka iyo nabad galyada
iyo siyaasadda, ama Soomaaliya oo
dhan ha ahaato ama dawlad Goboleedka Puntland.”
C/raxamaan Faroole waxa uu
markaas weriyaasha u sheegay
in wasiir ku xigeenka Warfaafinta
DGPL ay weriyaashu arrintaas si
wanaagsan uga waraystaan.
wax laga baran karo, waxna lagu bedelli karo. Waa in la ogaadoin ummaduhu dhib iyo dagaalo soo wada
mareen, laakiin ay ka gudbeen.
Sidaas taariikhda aadamiga ayaa na
bareysa, cumriga ummadahana laguma qiyaaso sanado yar, lagamana
waayo waqtiyo dagaallo iyo dhibaato
dhabar-jebis ah. Laakiin waxaa la
rabaa inaan la niyad–jebin, inaan la
rajo beellin, inaan la quusan oo la
xassusto ayadaha Qur’aanka kariimka ah ee timlaamaya in maalmaha
dadka loo kala bedelayo (wa tilkal ayaama nudaawiluha beyna al-naas”,
in culeys iyo dhibaato kasta uu
ka dambeeyo fudeed iyo dhibyaro
“innna bacdal cusri yusran” iyo inaan
laga quusan naxariista Ilaahey “laa
taqniduu min raxmati Laah”.
Gunaadkii, xalka dhibatada Somaaliyeed hal mar lama gaarayo oo muddo dheer wixii la duminayay, muddo
dheer oo dhismo ah ayuu u baahanyahay. Waa dib-ushis ummadeed
waa fac cusub oo hana qaada, waa
fikirkii wax-burburinta oo bedelma,
waa tawfiiq xagga Ilaahey oo timaada. Waddada sax aha waxey ka bilaabata in loo jeesto dhanka qiblada
dawladnimada, niyad saafi ah lala
yimaado, Somaali ka tashato da
Wasiir ku xigeenka warfaafinta, C/
shakuur Mire Aaden ayaa u shegay
warbaahinta in dacwadda ay Puntland la tiigsaneyso Amiin Caamir ay
bilaabanayso Waqti dhow.
C/shakuur Mire Aadan waxaa uu
shirka Jaraa’id ku bayaamiyay
khaladaad iyo been-abuur ay saxaafadda qaarkeed samayso. Waad u
jeedaan farshaxanka Amiin Caamir
waxa uu qoray taas oo uu ku muujinayo in Puntland ay taal wershed lacageed, weliba uu ku sii caddaynayo
wershedda in uu leeyahay madaxweynuhu.
C/shakuur Waxaa Yiri”Taasi waxay
ka mid tahay been abuurka lid ku ah
sharaafta jiritaanka Puntland.
Halkan waxaad ku arkeysaan wargeysa jamhuuriya la yiraahdo in uu
isagu kaba sii af-dheeraaday oo
uu ku sheegay in golaha wasiirada
Puntland ay go’aamiyeen wershed
lacag ah oo lagu sameeyo Puntland
gudaheeda.
Waxaa yaab ah, bini’aadamku been
wuu sheegaa, beena waa la sheegaa
oo bini’aamigu been wuu sheegaa,
laakiin waxaa la yaab leh been aan
sal iyo raad lahayn in la sheego.
Waxaa jira website-yo caadaystay
in ay sameeyaan been abuur lid ku
ah is-bedelka dhawaan ka dhacay
Puntland.
naheedasi isqancis iyo isku grawsho
leh. Ballankeynu ka ahaado inaan
calaacalka iyo oohinta joojino oo aan
nabadda ka shaqeyno, dagaaladdana
diidno. Balankeyno ha ahaado inaan
xarigga diintenna wada qabsanno
oo aanan ukala qeybsamin isna collaadin. Balakeynu ha ahaado inaan
la niyad-jabin oo adkeysi iyo dulqaad
badan loo yeesho dhibaatooyinka.
Balakeynu ha ahaado inaan toosnaan mabd’a iyo ficil amaabulan la
nimaado. Balankeenu ha ahaado
meel kasta oo aad joognaba, hawl
qabad, niyad sami, rajo iyo hanuunsanaan. Ugu dambeyntii, balakeynu
ha ahaado inaan nafteynna eedeyno
(self criticism) oo inta ficil sax ah la
nimaado, Ilaaheyna si buuxda u tala
saarano, asiga oo kaliyah ayaa yuwaada inuu xaalkeyna wax ka bedelo, wixii kheyr ahna na waafajiyo.
Ilaahow na waafaji toobta toosan,
baarkeynana burcad isku mari. Ilaahow waxaan nahay addooman tooba
keen ah ee colaadaha nabad noogu
bedel, dawlad cadaalad sameysa,
dadkeynna isku keenta oo diintaada
koryeeshana noo sahal. Aamiin
Dhamaad
Amiin Caamir waxa uu joogaa waddan sharcigu shaqeeyo dalka Canada. Waxaannu ballaan qaadeynaa,
“already” aannu la xiriirnay Garyaqaan. Waa la yaqaanna website kasta
meesha laga marti geliyo (host-gareeyo) oo laga daabaco (post-gareeyo), waa la yaqaannaa cidda
damiinatay ee iska leh.
Amiin Caamir waxaannu ku dacwaan doonaa sharciga caalamiga ah
waayo waddanka uu joogo waa waddan sharciga la ilaaliyo, guud ahaana waanu qabsanay qareenkii u doodayey Puntland. Waxaa laga rabaa
xaqiijinta iyo caddaynta qoraalka uu
gacantiisa ku sawiray. Ma aha (waxa
aan sheegeyno) wax been abuur
ah oo isaga ayaa ku saxiixan Amiin
Caamir, website kiisana waa laga
heli karaa.
Amin Caamir oo Ka soo jeeda Beesha Camuudi ee degta Degmada
shangaani ee gobolka Banadir ayaa
soo wajahay Cabsi weyn ka dib
markii Booliska Canada ay Tageen
Gurigiisa, ayna ka waayeen.
Shaydaan Sawire amin arts waa nin
aad u Caqli badan oo si xirfadaysana u sawira Bani’aadamka, Hase
yeeshe Culimada somaliyeed waxay
ku sheegeen shaydaan ku Cayaaraya Sawirka Dadka.
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
Kobaca Waxbarashada Sare ee Puntland.
Abdifitah Mohamed Sugulle
[email protected]
Boosaaso- Soomaliya
Horumarka umadaha waxaa lagu
qiyaasaa heerka ay hadba taagantahay waxbarashada sare, dowladaha kobcay oo dhan waxay galiyaa
maalgashi xoogleh waxbarashada
sare si ay u kobciyaan tayadeeda iyo
cilmigeeda.
Waxbarashada sare ee Soomaaliya
waxay soo martay maraaxli kala gadisan;
-1954, waxaa la asaasay macahad
labo sano ah oo ka kooban kuliyada
Dhaqaalaha iyo Sharciga.
-1967, waxaa la asaasay Macahdka
Tababarka Macalimiinta ee Lafoole.
-1970, waxaa la sameeyay jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.
5
ILAYS NEWSPAPER
Muqdisho University oo la’asaasay
sanadka 1997.
Waxbarashada sare Puntland waxay asaasantay waxii ka danbeeyay 2000 markaas oo la’asaasay
jaamcadii ugu horeysay ee ku
taala deegaanada Puntland oo ah
Jaamacada Bariga Afrika.
Waxaa sidoo kale asaasamay
jaamcado kale oo ku kala yaal gobolada Puntland Sida Puntland State
University, Sool University, Muqdisho
University( Faraca Puntland) iyo
kuwa kale oo aanan halkaan ku soo
kuubi karin.
Waxaa jira caqabado hortaagan
waxbarashada sare ee Puntland
waxaana kamid ah:
Waxbarashada sare Puntland waa
jaamacdo si gaar ah loo leeyahay oo
aan dowlada hoostagin mana helaan
dareel dowladeed, kharashaadka
howlaha lagu wadona waxaa qaar
laga aruuriyaa radayda dhigta inta
kalena waxaa kaba aqoonyanahada
Soomaliyeed ee hawsha jaamcada
isku xilqaamay.
Waxbarashada sare ee soomaalya
waxay ku tiirsaneed dhaqaala ahaan
iyo cilmi ahaanba dalalka shisheeye gaar ahaan dalka talyaaniga
oo luuqadiisu lagu dhigan jiray waxbarashda waxaana Jaamcada Ummada Soomaliyeed wax ka dhigi jiray
Sidoo kale waxbarashada sare Puntmacalimiin Talyaani ah.
land mahaysto profosooro taye leh,
taasna waxaa sabab u ah dhaqaMarkii lasameeyay jaamcada Umalaha jaamcadaha soo gala oo yar
mada Soomaliyeed waxbarashada,
iyo dowlad kabta oo aan jirin.
deegaanka iyo caafimaakdu waxay
ahayd lacag la’aan waliba ardayda
Waxaa dhib wayn ku ah aradayda ka
waxaa la siin jiray lacag bilah.
qalin jabisay qaarkamid ah jaamacaWaxii ka danbeeyay burburkii soomalidaha Puntland in ay helaan shahaaya waxaa asaasmay jaamacado fara
do laga aqoonsanyahay caalamka
badan oo gaar loo leeyahay, waxaasi ay u sii wataanwaxbarashada
na kamid ahaa jaamcada sumacada
sare ama ay shaqooyin uga helaan
wayn ku leh Soomaliya ee
caalamka
Manhajka laga dhigo jaamacadaha
Puntland waa mid ay samaysato
jaamacadu mana jirto wasaarada
waxbarashada sare oo koontaroosha
manaahijta iyo nidaamka jaamacadaha.
Jaamcadahada aduunka ka jira waxaa luu fududeeyaa ardaydooda in ay
sameeyaan cilmi baarisyo kala duwan oo lagu horumarinayo bulshada
ay jaamcadu ku dhextaal, jaamacadaha Puntland ku yaalana lagama
helo adeegdaan oo kale, waana loo
cududaari karaa maadama aysan
jirin dowlad kabta oo ka caawisa
arimahaan oo kale.
Wali lagama bilaabin deegaanada
Puntland waxbarashada sare ee
Master degree iyo PhD Degree waana howl looga fadhiyo jaamcadaha
in ay soo kordhiyaan.
Sidoo kale Waxbarashada Sare ee
Puntland waxay haysataa fursado
kala duwan:
Waxaa sii kordhayay sanooyinkii u
danbe Ardayda ka qalan jabinaysa
dugsiyada sare ee Puntland, cilmi
baaris la sameeyay sanadkii 2008
waxaa lagu qiyaasay in ardayda
kaqalin jabinaysa dugsiyada sare ay
gaarayaan 1000 Arday oo iskugu jira
wiilal iyo gabdho, taas waxay fursada
siinaysaa jaamacadaha ka jira Puntland in ay helaan arday fara badan
oo waxka dhigata kana fududeeya
culayska dhaqaale ee jaamacadaha
saaran
Waxaa sii kordhayay mudooyinkii
danbe dareenka bulshada ee ahamiyada waxbarashada sare taasna
waxay keenin in waalidiintu ku dhiirigaliyaa ilmahooda in ay sii wataan
waxbarashada sare.
Tartan xoogleh ayaa waxay ka dhex
bilowdeen jaamcadaha ka jira
Puntland taasna waxay keenaysaa
halabuur iyo in ay kor u kacdo tayada jaamcadaha sidoo kale in ay
ardaydou hesho aqoon tayo leh.
Waxaa laga rajaqabaa sidoo kale
in soomaliya ay u dhalato dowlad
xoogleh oo dareel buuxda siisa
waxbarashada sare.
Aqoonyahnada Soomaliyeed ee
waxkasoobarta dalalka shisheeye
oo sii kordhaya kana qayb qaadanaya kobcinta jaamcadaha dalka.
Dadka Soomaaliyeed waxay dhaqan
u leeyihiin in ay iscaawiyaan waxna
istaraan, siiba waxay iskala qayb
qaataan waxbarashada, taasna
waxay fursad u tahay ardayda danyarta ah oo ka qalin jabisa dugsiyada sare in ay helayaan cid ka bixisa
jaamacada.
Maadama waxbarashada sare tahay
hormuudka bulshada waxaa lagama
maar maan ah in aqoonyahanada
horjooga ay muujiyaan iskaashi iyo
isku duubni dhexdooda ah ayna ka
soo baxaan shaqada hormuudnimo
ee looga fadhiyo, waxbarashada
sare ee Puntland waxay u baahantahay daryeel joogta ah iyo iskaashi
dhexmara jaamacadaha dhexdooda
si kor loogu qaado tayada aqoonta
ay ardaydu helayso
Xusuustii Qalinka.
Gen.Daa’uud Cabdulle Xirsi.
Allaha u naxariiste Gen, Daa’uud
Cabdulle Xirsi waxaa uu ku dhashay
tuuladda Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud Sanadkii 1924-kii.
Agagaarka degaanka Mareeg ayuu
ku dhamaystirtay barashada quraanka Kariim isagoo aad u dayar. Shaqo
ayuu ka bilaabay Magaaladda BuuloBarde xafiis uu halkaas ku lahaa
Talyaanigu, waqti yar ka dib ayuu u
wareegay dhinaca Muqdisho ka hore
dagaalkii Labaad ee Aduunka.
Sanadkii 1943-dii ayuu ku biiray Ciidamadii Ingriiska xilli Soomaaliya oo
dhan uu gacanta ku hayey. Shaqadii
uu ka ahyey Ciidamadii ayaa ahayd
inuu noqday Tababare xeradii ciidamada Booliska eek u taalay Xamar
Jajab..
Kolkuu mar labaad dib ugu soo noqday Talyaanigu Soomaaliya qaybteedii Koonfurees Sanadkii 1950-kii.
Waxaa uu Gan.Daa’uud ka mid noqday horaankii Kontomaadkii rag ka
tirsanaa ciidamadii Talyaaniga oo ku
guulaystay imtixaan loo qaaday layli
Sarkaalnimo. Isagoo ka mid noqday
koox loogu qaady tababar Sarkaalnimo inay ku soo qaataan Wadanka
Talyaaniga.
Sanadkii 1954-tii ayuu Janaraal Daa’uud dib ugu soo laabtay
Soomaaliya isagoo sarkaal ah waqtigaas ka tirsanaa Ciidanka Booliska,
mudo ka dib waxaa uu ka qayb qaatay diyaarinta iyo dhismihii ciidanka
Xooga Dalka Soomaaliyeed,kolkay
soo dhowaatay xornimo gaar siinta
Soomaaliya.
14 Aprile 1960-kii ayaa Janaraal
Daa’uud waxaa la siiyey darajadda
Janaraalnimada isagoo noqday taliyihii ugu horeeyey ee uu yeesho Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed
,dadka aadka u yaqaanay waxay ku
tilmaamaan inuu ahaa nin Soomaalinimadu ku dheertahay, caadil ahaa
sla markaana ay aad u jeclaaayeen
ciidamada uu madaxda u ahaa.
Waxaa uu ahaa Gen.Daa’uud Cabdulle nin diinta aad ugu dhaqma isla
markaana ku guubaabiya ciidamada
inay diintooda ku dheganaadaan.
Nin kasta oo la jecelyahay maalin
ayey geeridu haleeshaa. Allha u
Naxariiste Gen.Daa’uud waxaa tii
Ilaahay u timid isagoo weli gacanta
ku haya dhisida ciidanka xooga
dalka Soomaaliyeed ee difaaca u
ahaa qaran curdin ah . waxaa uu
Weli waxaa lagu xusuustaa Gen.
Daa’uud sidii sharafta lahayd ee
uu u hogaaminayey ciidankaas u
madaxda u ahaa. Waxaa uu ahaa
nin dhamaan askarta uu xukumaa
wada jecel yihiin ,nin qabiilaysiga ka
fog. Waxyaabahaas oo waarsiiyey
taariikhdiisa wanaagsan ee ilaa iyo
manta jiilba jiilka kale u tebiyo.
La soco cadadka xiga
Gen. Daa’uud Cabdulle Xirsi
Taliyihii Xooga Dalka Somaaliyed
Qormada Xusuusta Qalinka waxaan ku soo qaadana
Halgamayaashii iyo Madaxdii somaliyeed ee Caanka
ahayd.
Qormadeena Xigta, waxaan
ku soo qaadanaynaa Gen.
Maxamed Abshir Muuse
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
Koboca Islaamiyiinta Somalia
( Siraha Qarsoon )
Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta.
Qormadii 7aad
Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii
XHKS waxay si baaxad leh dagaal
bareer ah ugu qaadeen Islaamiyiinta.
Iyagoo xeel ahaan u adeegsanaya
ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha
xaafadaha oo si fudud loogu la socon karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka
jiray dalka. Waxaa laga warhayey
guri kasta iyo qofkasta ee ku nool tabeelaha ama unug xaafaddaas wax
uu qabto iyo waxa uu aaminsan yahay iyo weliba kacaanimadiisa inta
lagu kalsoonaan karo. Iyadoo intaas
u sii dheereyd Xisbiyiinta iyo Ururadda Bulshada, haweenka,.Dhalinyaradda iyo Kuwa Shaqaalaha. Ciidankii Guulwadayaasha ayaa 24
saacadood oo kasta xogta xaafadda
u soo gudbin jiray Madaxtooyadda.
Hayadda sir doonka NSS-ta.
Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta
iyo siyaasiyiinta loo arkayey inay ka
soo horjeedaan hanaan u socodka
Kacaanka Hantiwadaaga ah ee
Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa
ahaa mid nooc kasta leh oo la doonayey in lagu caburiyo garashada ka
duwan tan kacaanku qabay. Dadka
noocaas ah waxaa lagu hayey xabsiyada kala ahaa Mandheera. Laanta
Buur. Ka gadaalase waxaa loo wareejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay,
looguna tala galay siyaasiyiinta ka
soo horjeeda Kacaanka Oktoobar.
Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof.
Yuusuf Xirsi Axmed oo isagu Buugiisa Xabsigaygii ku soo gudbinayaa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii Kacaankii galeyey uu kala kulmay
’’ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd
maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa
habeenimadii kol ay saacadu ku beegnayd 11:00 ama shantii habeenimo
ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuusuf Cismaan Samantar(Bardacad),
Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole
(Aswad), Cali Canbe iyo Maxamed
Xareed. waxaa naloo dareershay
dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku
jiray ee Laanta Buur..’’
Waa sii waday sheekadiisii Xabsiga
’’ Waxaa nala keenay daarada qaybta Qamta ee Xabsiga Laanta Buur.
Meel muuqaal wanaagsan oo dhirta
geed hindiga loo yaqaani haraysay.
Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax
ah oo lagu xardhay mar-mar.
Mudo laba saacadood ah markaan
6
ILAYS NEWSPAPER
fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qamta waxaa laga soo saaray rag ay
ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed
Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal,
Shiikh Cabdiqani Axmed, iyo Janaraal Cabdulaahi Hoolif. Janaraal
Maxamed Abshir waa la soo saaray
laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey
ma arag.’’
Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay 2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku qoray in
goortii waqtigu ahaa labadii dambe
ee habeenimo ( sideeda saaca) ee
01 May 1977-dii lagu amray inay
baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh
Maxamed Macallin Xasan iyo
Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhinaca ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan
wada saarayn oo nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar
(Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad,
iyo nin kale. Markii baabuurka nala
saaray ee qof walbaa fariistay ayaa
lugaha waxaa looga qoofalay silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu
cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd
ilaaladda xoogan ee baaburta aan
saarayn korka ka ilaalinaysay.
.
Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay
safarkii dhibka badnaa intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii waday
Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo
sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu
horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo
Labaatan Jirow Xabsigaas la magac
baxay.
Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa
si gaar ah loogu xiray meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd
Xabsi weynaha Labaatan Jirow
rag ay ka mid ahaayeen Maxamed
Abshir, Shiikh Maxamed Macallin,
Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed,
Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali
Hayje nin la oran jiray oo isaga markii
dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan
Jirow.Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta kama
hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si
mug ah u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn taas oo ay
ku jaah-wareereen NSS-tii,waxaa la
qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa
kaga soo gudbeen adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha
ugu dulqaadanayeen si aan caadi
ahayn.
Taasoo ku riixday inay higsadaan
maanta halka ay ku haminayaan oo
ah hanashada hogaaminta awooda
dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan
in ka badan 17 Sano aan helin dawlad hogaamisa isla markaana hanata
maamulkiisa .
Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami
karay in kaga faa’iidaysteen waqtigaas inay afkaartay rabeen ka
dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa
in shuuciyaynta dadku ay tahay ka
saarida diintooda. Waa la oran karay
inuu fikirkoodaasi mira dhalay ka dib
markay dadku bilaabeen inay diintooda u soo noqdaan. Isla markaan
barashadeeda si qoto dheer u fahmaan. Waxaa kaloo dacwada baraaruga Islaamku gudbutay waqtigaas
masaafo aad u balaaran oo taariikhda gashay.
Xubnihii13ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii
1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey
waxaa laga soo daayey xabsiyadda
dabayaaqadii Sanadkii 1978-dii xilligaas oo siyaasadii XHKS caga dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu ahaa qodobka
52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa
xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa
mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex
cisho lagu hayo xarunta booliskaka
dabadeedna ama la daayo ama loo
gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn
lahayd dembiga.
Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay xubno muhiim
ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa
Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa
Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud,
Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir
Maxamed Cabdulle, Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan
Cabdisalaan iyo rag kale oo badan,
waxayna u kicitimeen wadanka
Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay
jaamacado islaami ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa.
Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda
dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal
noqday halgankii baraaruga dadka
ee dhinaca diinta, waxaana kala daatay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa
dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa.
Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii
lala galay Itoobiya iyo weliba xarig
kala furashadii Midowgii Sofiyat-ka
iyo Soomaaliya.
Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda
dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal
noqday halgankii baraaruga dadka
ee dhinaca diinta, waxaana kala daatay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa
dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa.
Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii
lala galay Itoobiya iyo weliba xarig
kala furashadii Midowgii Sofiyat-ka
iyo Soomaaliya.
Khilaafkii Gama’sanaa ee
Islaamiyiinta Dhexdooda
Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay
xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaa
meesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la
oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynayey Sanadkii 1973 ilaa 1977-dii. Khilaafka ku soo kordhay Islaamiyiinta
Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee xabsiyadda
laga soo daayey, waxaana la xusaa
in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud oo ahaa Gudoomiyihii Al-Ahli
uu markaas u Janjeersaday afkaarta
kooxda Jamaacatul Muslimiin dadka
badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir.
Wararka jiray waxaa ka mid ahaa in
Islaamiyiinta badankoodu kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen
fikirka Jamaacatul Muslimiin (Takfiirka). Marka laga reebo xubnihii ku jiray Xabsiyadda. Hase ahaate markiiba xubno badan ayaa ka noqoday
qaadashada afkaarta takfiirnimadda.
Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka
mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga
Islaamka.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax
ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda Baraaruga ee
dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyey
waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si
guud mar ah iigu jawaabay:’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka
yimid Wadanka Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay
fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar’’
Sidee ayey inaga Soomaali
ahaan inoo saamaysay?
’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday.
Maadaama kacaanku xabsiyadda
dhigay cullimadii waaweynayd ee
hagi jirtay baraaruga Islaamka. In
badan oo dhalinyaradda ahayd oo
dhinac u liicday waa jireen; Balse
markii dambe ee cullimadda xabsiyadda laga soo daayey ayaa si
weyn wax looga qabtay. Oo si aad
ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii
degdegaysay.”
LA SOCO CADADKA XIGA
W.Q. cabdishakuur Mire Aadam
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
7
ILAYS NEWSPAPER
Soomaaliya: Sun Ma lagu Aasay?
‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’
Qaybta 4aad
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009
Qareenka Xaashi waxa uu yiri:
“Ka hor intii uusan u soo dhoofin
Talyaaniga, waxaa Xaashi u yimid
Jeelle oo u ballan qaaday lacag si
uu qirto dilkii (weriyaasha).”
Warqaddaas dukumiintiga ah waxaa
qaaday Boolisku si ay diiwaanka
u geliyaan. Laakiin Dembi Baare
Maxkamadeed oo loo xilsaaray kiiska
Alpi ayaa warbixin uu qoray sannadkii
2005 waxa uu ku sheegay in Warqaddii laga xaday Diiwaanka Booliska.
Xilligan Booliska Talyaanigu waxay
sheegeen in aysan wax fikrad ah ka
hayn meel uu jaan-iyo-cirib dhigay
ama ay ku ogyihiin Giorgio Comerio.
Kuwa kale ee Sunta Halista ah geeya
Afrika, sida Giampiero Sebri, waxay
adeegsadaan nimaad xarfadaysan
oo si caadi ah u muuqda, ayey tiri
warbixintu.
Giampiero Sebri waxaa uu yir:“Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah
waxa uu la mid yahay eber”
“Waxaa dhici karta in aan u muuqdo
danayste” sidaas waxaa yiri Giampiero Sebri oo ka mid ahaa kuwii Sunta Halista ah geyn-jirey Soomaaliya...
Waxana uu intaas ku daray “Halkaas
uma tegin in aan jokolaato iyo nacnac
u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas
u tagey in aan geeyo Haraadiga
Sunta Halista ah iyo Sunta nooca loo
yaqaan Radioactive....”
Giampiero Sebri waxa uu isku
dubaritey nidaam uu ku samaysanayo hay’ad ama shirkad maxalli
ah oo Qashinka/Haraadiga Suntan
Halista ah keenta dunida soo koreysa
(Afrika) isagoo Suntaas ka soo qaadaya Warshadaha reer Galbeedka
Giampiero Sebri oo sharraxaad ka
bixinayey sida ay ugu sahlan tahay
in uu shirkad maxalli ah ka furto degaanka uu doonayo inuu ku duugo
Sunta Halista ah waxa uu yiri:
“Shirkadaha leh Warshadaha iyo xitaa shirkadaha Dawladda, marka ay
isugu ururaan kayd gaaraya kumaan
iyo kumanaan tan (kiintaallo) oo ah
Qashin Haraadi ah (ama Sunta Halista ah) oo ay tahay in la duugo,
waxaan markaas shirkad maxalli ah
ka sameeyaa degaanka dal soo koraya (Afrika), waxaan markaas agaasimaa dhammaan hawlaha la xiriira
sidii loo qaadi lahaa, sida Markabka
iyo konteerada. Intaas wixii ka dambeeya waa in aan soo raro (Sunta),
kaddibna ka dejiyo (markabka).. waa
intaas oo keliya...”
Giampiero Sebri waxa uu qayb ka
ahaa mashruucii loogu magac daray
“URANO” oo asalkiisii hore ahaa qorshe loogu talo galaay sidii Sunta Halista ah ee nooca Radioactive loogu
duugi lahaa Saxaraha Galbeed ee
Afrika
Haamo sunta Warshadaha ay Ku Jiraan Oo ka soo Caariyay Xeebaha Somalia
Mashruucii URANO ee Sun ku aasidda Qaaradda Afrika..
“Waxaa dhacday arrin cajaa’ib ah xilli
aan dejineyney Haraadiga Sunta aan
ku aaseyney (Saxaraha Galbeed),
waxaa naloo sheegay in hadda wixii
ka dambeeya aanaan halkaas ku
aasi karin. Taas macnaheedu waxa
uu ahaa in qaar xamuulkii Sunta ah
uu weli saarnaa markabka. Sidoo
kale waxaa jirey markab jidka ku
soo jirey afar ilaa shan beri oo soo
wadey Haraadiga Sunta. Markaas
labadii markab mid si ula kac ah
ayaa loogu dhex dejiyey badda.
Markabkii kale waxaa loo leexiyey
oo la geeyey Soomaaliya,” ayuu yiri
Giampiero Sebri oo muujinayey sidii
ay ku bilaabeen inay Sunta Halista
ah ku duugaan badda iyo xeebaha
Soomaaliya. Waxaana TV-gu muujiyey foostooyin aan la aqoon waxa
ku jira oo markab lagu rarayo.
Qoraallo ay heleen Booliska dalka
Talyaaniga ayaa waxaa ku cad in
markii kooxdii sunta duugeysey ay
ku guul daraysteen in uu sii socdo
mashruucii URANO-1 ee SaxarahaGalbeed, waxaa la agaasimey
mashruuca URANO-2. Kaas oo sannadkii 1992 diiradda lagu saaray
Soomaaliya sidii Sunta Halista ah
loogu duugi lahaa. Soomaaliya xilligaas waxaa ka socdey dagaalkii ahliga ahaa.
Dukumiinti ku saabsan mashruuca URANO oo diirada lagu saaray Soomaaliya
Afar sano kaddib markii mashruucii
URANO-2 jaaha lagu saray Soomaaliya, ayaa Cali Mahdi Maxamed oo
ahaa madaxweynaha Soomaaliya
waxa uu mid ka mid ah dadkii xiriirka
la lahaa Mashruuca URANO oo ah
Ezio Scaglione waxa uu u saxiixay
warqadda aad hoos ku arki doontid,
isagoo - sida warqadda ku cad - u ansixiyey in Soomaaliya laga hirgeliyo
Goob lagu Duugo Sunta Halista ah.
Soo bandhigidda warqadda uu ku
saxiixan yahay Cali Mahdi waxaa
TV-gu ku xejiyey Giampiero Sebri oo
dhehaya erayadan: “Qiimaha Qofka
Bini’aadamka ah waxa uu la mid
yahay eber, waxa keliya ee ay qiimeeyaan waa lacag iyo weliba lacag
siyaado ah, ma jiro wax ay kala jecel yihiin”. Kaddib waxaa durbadiiba
shaashadda laga soo muujiyey foostooyin ay ku qoran tahay “Haraadiga
Qashinka Sunta ah” (RIFIUTI TOSSICI = Toxic Waste).
Waxaa markaas TV-gu warbixinta
soo dhex geliyey Xaashi Cumar Xasan oo ilaa muddo 10 sano ah ku jira
Xabsi ku yaal Waqooyi Talyaaniga,
isagoo ah qofka keliya ee loo xiray
in uu qayb ka ahaa weriyaashii Talyaaniga ahaa ee lagu dilay Muqdisho
1994. Qareenka Xaashi waxa uu
yiri:“Xaashi Cumar waxa uu ka mid yahay dhibanayaasha ay sida xun ula
dhaqmeen ciidamadii Talyaaniga ee
ku sugnaa Soomaaliya. Markii uu
yimid Rooma waxa uu ogaadey in
lagu oogey dacwadda dilka (weriyaashii).”
Xaashi Cumar waxaa dembigaas
lagu xukumay kaddib markii ay
ku markhaanti fureen laba qof oo
sheegay in uu ka mid ahaa kuwii
dilka geystey. Labadaas qof waxay
ahaayeen Cali Maxamed Cabdi oo
ahaa dareewalkii Alpi (weriyihii la
diley) iyo ninka lagu magacaabo
Axmed Cali Raagge, oo loo yaqaan
“Jeelle” oo ku andacoodey in uu
goobta dilku ka dhacay joogey
Sannadkii 1997 waxaa Soomaaliya loo diray Ergey Khaas ah oo
ka socdey Dawladda Talyaaniga,
kaas oo watey lacag si uu u soo
ururiyo xog iyo akhbaar ku saabsan
dilkii weriyaasha. Waxa uu ergeyga
Talyaanigu la xiriiray Jeelle. Waxaa
markaas Jeelle la sheegay in uu la
sii xiriiray Xaashi, waxana uu u soo
bandhigay qaar kamid ah lacagta si
uu Xaashi u qirto dilka.
Xaashi markii uu diidey lacagta
uu Jeelle u soo bandhigay, waxaa
Xaashi si xeeladaysan looga gacan
haadiyey Talyaaniga. Waxaa lagu
casumey in uu ku markhaanti fure
ciidamadii Talyaaniga ee ka tirsanaa Qaramada Midoobey ee lagu
eedeeyey in ay isaga (Xaashi) si xun
ula dhaqmeen. Markii uu tegey Talyaaniga, daqiiqadii uu diyaaradda ka
soo degey ayaa la dhigay xabsiga
isagoo loo xiray dilkii weriyaashii.
Jeelle ayaa ku mudacay in Xaashi uu ka mid ahaa dadkii dilka u
geystey weriye Alpi iyo sawir-qaadaheedii. Waxaa sidoo kale Xaashi
ku mudacay Cali Maxamed Cabdi
(dareewalkii) oo la diley markii uu ku
laabtay Muqdisho. Waxaa markaas
su’aali ka timid in Jeelle yahay qof la
rumaysan karo.
Jeelle waxa uu yiri waxaan joogey
goobta dilku ka dhacay markii rasaasta la furay. Waxana uu ku andacoodey in uu yahay qofka ka muuqday laga qaaday goobtii dilku ka
dhacay. Laakiin, Qareenka Xaashi
ayaa yiri:
“Sawiro la qaaday waxay caddeeyeen in qofka goob-joogga ahaa
(sawirkii xilligaas la qaaday ka muuqda) uu ahaa ninka lagu magacaabo
Cali Xasan Cosoble, ee sawirkaasi
uusan ahayn Jeelle.”
Haddii sawirkaasi uusan
ahayn
Axmed Cali Raagge “Jeelle”, arrintu waxay noqoneysaa in xukunka lagu ridey Xaashi Cumar Xasan
uu ku dhacay si khaldan oo ah hal
markhaanti oo keliya, kaas oo ahaa
Cali Maxamed Cabdi oo isagiina la
diley kaddib markii uu ku mudacay
Xaashi, ayey tiri warbixintu.
“Xaashi ma joogin Muqdisho maalintii dilku dhacay, kamana uusan
mid ahayn kuwii weerarka geystey,
waxa uu joogey magaalo lagu magacaabo Xaaji Cali oo qiyaastii 350 km
Waqooyi ka xigta Muqdisho. Waxaan helnay 7 qof oo xaqiijiyey in uu
halkaas joogey,” ayuu yiri Qareenka
Xaashi.
LA SOCO CADDADKA XIGA
ARBACA 18 FEBRUARY 2009
Telcom Puntland
Bosaso, Somalia
8
ILAYS NEWSPAPER
Tel: +2524500069 HORYAAL PRINTING
CENTER
Fax:002524500001
ADEEGYADA DAABACADEED
EE HORYAAL DIYAARKA KUULA
TAHAY
Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah
Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga)
Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9
qof oo aad joogto ula xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa
kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto
Call Conversance
Waa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof
OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION)
Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu
xirnaa ama dabku ka dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid
fadlan qaraac 144
Balance sharing ( lacag waaag)
Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta
adiga u qoondeenaya hadba inta aad doonto
Additional benefit
Hadii
Hadii
Hadii
Hadii
Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah.
Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ah
Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah
aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah
QAABKA LACAG KU SHUBASHADA
Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed
raac tilmaamahan. Ama ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok)
Buugta Akhriska
 Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada
 Receipt Vouchers
 Payment
Vouchers
 Invoices
 Cash Sales
 Daily Sheets
 Business Cards
 Envelops
Stickers
 Prescription
 Register Books
 Text Books
 I.D Cards
 Certifications
 Flyers
 Invitations Cards
OGAASHAHA HARAAGAAGA
Hadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221
dabadeed dhagayso tilmaamaha
QAABKA XAWILASHADA call Forwarding
Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#),
sidoo kale waxaad xawilaada kaga bixi kartaa (#21#)
Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAIL
Waxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad
setting Number 2522660111
Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay
xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin ah:Tell: #252-5-500069
ama Fax # 252-4500001
AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA
KADALBO HORYAAL
DOOKHAAGA DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD
U RABTO
& QIIME KURAALI
GALIYA
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
Tell :- 824299/796169/726169
BOSASO SOMALIA

Similar documents

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo Islaamiyiinta

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo Islaamiyiinta si ay u hakiyaan gulufka dagaalka ee la doonayo in awooda looga tuuro Dowladda Shariifka. Ma ahan in loo fekero in Maraykanku u danaynayo shacabka Soomaaliyeed

More information