Xaniinyo Taabasho - All idamaale News

Transcription

Xaniinyo Taabasho - All idamaale News
Xaniinyo Taabasho
Qore: Mudane Afar Indhood
July 17, 2015
AMISOM soldier frisks people before to attend Eid prayers at Isbahaysiga
Mosque in Mogadishu, Somalia, July 28, 2014. ©REUTERS/Ismail Taxta
Maalmahan waxaa dalka oo dhan ka socda u diyaar-garowga Ciidul-Fidri. Waxaad
meel walba ku arki dadka oo ku sii qul qulaya dukaamada dharka iyo maqaayadaha
raashinka mac-macaanka lagu iibiyo. Hase yeeshee, Xamar waxaa u dheer iyada oo
mar kale u diyaar garobeysa cayaarta “Xaniinyo ka Taabasho”.
Waxaan bishan oo dhan joogay magaalada Muqdisho, oo aan ka maqnaa muddo
afartan sano ah.
Waxaan hadda joogaa degmada Xamar Jajab, gaar ahaan xaafaddii loo yaqaanay
Xisbiyada oo saaran jidka Via Roma.
Dadkii aan ku aqiinay badankooda ma joogaan. Dad yar ayaan ka gartay asxaabtii
hore, oo dalkii aan ka bixin.
Sheekh Naadiyow Nuur Baabakar ayaa ka mid ah dadkii hore, oo hadda si fiican
iigu soo dhaweeyey Xamar.
Sheekh Naadiyow wuxuu igu soo wareejiyey meelihii aan yaraantii banooniga ku
ciyaari jirnay, sida banaanka Scoule Commerciale, barxadda Saabuuni iyo meelo kale
oo hadda si kale ah.
1
Waqtiga taraawiixda ka dib aniga iyo Sheekh Naadiyow waxaan luga-baxsi ku
sameynaa xaafadda gudaheeda, annaga oo ka sheekeysanna sheekooyin waayo waayo
ah (nostalgic).
Badanaa ilmo ayaa indhaheyga soo istaagta markuu iiga waramo dhibkii ka dhacay
xaafadda 25-tii sano ee u dambeeysay. Dhac, kufsi dil, iyo bah-dilid wax aanan ka
dhicin xaafadda ma jirto ayuu igu yiri saaxiibkay Naadiyow.
Waxyaabihii uu ii sheegay waxaa iigu yaab badnaa sheeko uu ii sheegay Sheekh
Naadiyow labo habeen ka hor. Waana tan igu kalliftay inaan qoro maqaalkan kooban.
Sheekada aniga (Mudane Afar Indhood) iyo saaxiibkey Sheekh Naadiyow sidan
ayeey u dhacday:
AMISOM soldier frisks people before to attend Eid prayers at Isbahaysiga
Mosque in Mogadishu, Somalia, July 28, 2014. ©REUTERS/Ismail Taxta
Bacda taraawiix ay ahayd. Aniga iyo Naadiyow waxaan lug dheer ku marnay
xaafadda gudaheeda, wax badanna waa ka sheekeysanay. Ka dib ayaa Naadiyow
sheeko iga yaabisay furay oo igu yiri:
Naadiyow: Widaayow youm ciid aa soo dhow.
Afar Indhood: Saaxiibow waa ogahay ee berri aan isu raaceenaa suuqa.
Naadiyow: Widaayow shopping ma kaala hadlooyo. Alxamdulilaah xaqul-ciid igu
filan aniga iyo caruurtayda waa heesanaa.
Afar Indhood: Saaxiibow maxaa kale oo jiraa?
Naadiyow: Widaaygay facsharka Xamar ka taagan hadal ma lagu soo koobi karo.
Afar Indhood: Saaxiibow Ibnu Adam is waayey arin aa kala geesay ee warka i sii.
2
Naadiyow: ma ogidow Ciidu-Fitrigii sannadkii hore bishan camal ee July ay ku soo
aaday?
Afar Indhood: Waa ogahay; maalin Isniin ah, oo July 28 ah, ay ku soo aaday
sannadkii hore Ciidda.
Naadiyow: Widaayow, Salaaddii Ciidda aan u jarmaaday, ka dib markii koob qaxwe
iyo lama xabo oo moos ah aan ku af bilaawday. Masjidka Isbaheysiga aan socod
boobsiis ku tagay, si safka dheer aan hore uga galo.
Afar Indhood: Safka dheer maxaa waaye?
Naadiyow: Saaxiibow warba ma haysid. Ciidamo AMISOM aa Masjidka joogto,
Waa la is baaraa.
Afar Indhood: Yacnii, waxaa ka wadaa madaxda Villa Somalia aa imaaheeso oo ku
tukaneyso Masjidka.
Naadiyow: Saas camal. Safka hore aan galay ciyowdii. Markii la isoo gaaray, askari
Ugandhees ah aa taataabasho igu boobsiiyey saaxiibow.
Afar Indhood: Yacnii hub aas kaa baaraa?
Naadiyow: Haa. Widaayow, waxaan watay kabo sandal ah, matanti (mutande),
macawis, shaar cad oo gacmo dheere ah iyo cimaamad yar oo garabka ii saaran bes.
Wax kale ma wadan.
Afar Indhood: Haye.
Naadiyow: Widaayow, askarigii Ugandheeska ahaa waa i xaniinyo (xiniinyo)
taabtay.
Afar Indhood: See camal?
Naadiyow: Baaritaanka lugaha aas iiga soo bilaaway; ka bacda labada tafood
dheexdiisa aas gacanta geliyey, kor aas u socday.
Afar Indhood: Haye!
Naadiyow: Waxaas ku dhagay lamadeyda xaniinyo, ka bacdi aas kor ii soo fiiriyey,
asoo qoslaayana igu dhahay: Are these explosives?
Afar Indhood: Yaah!
Naadiyow: Waa i maqashay. Anoo dhidid weyn iga da’aaya aan ku dhahay: What the
f**k are you doing on my dangling testicles?
Naadiyow: Waxow i dhahay: Wow, you speak good English. Askari kale oo dhinaca
taagnaa aa markiiba gacmo duub ii qabtay; dhinac aa la ii leexsaday. Waxaa la i
dhahay, “Adiga baarid kale aa lagugu sameehaa”.
Afar Indhood: Ka bacdi!
Naadiyow: Intii aan dhinaca taagnaa, waxaan arkay ilmo badan oo saddex jir ilaa
toban jir ah oo iyakana la xaniinyo taabsaday. Xitaa, ciyaalka qaar waa diideen in la
xaniinyo taabto, waana qeyliyeen. Ciyaalkaasi kulli toys-kii ay wateen xitaa waa laga
qaaday.
Afar Indhood: Ka bacdina!
3
AMISOM soldier frisks a toddler before to attend Eid prayers at Isbahaysiga
Mosque in Mogadishu, Somalia, July 28, 2014. ©REUTERS/Ismail Taxta
Naadiyow: Askar kale aa ii timid sidii aa mar kale la ii gacmo gacmeeyey; ka
bacdina waa la i fasaxay. Majidkii aan iska galay, waana soo cibaadeestay. Dhaqso
aana gurigeega ugu soo noqday anoo anfariirsan.
Afar Indhood: Madaxda Majidka ku tukaneysana saan maa loo xaniiyo taabtaa
saaxiibow?
Naadiyow: Widaayo war aa kuugu laaban Xamar iyo Xaniinyo ka taabashadeeda.
War shaqaalaha Villa Somalia marka looga yeero Xarunta Xalane, sida aniga la ii
taataabtay ka daran aa loo taataabtaa. Ilaahay ceeb ha asturo.
Afar Indhood: Ma istiri, xerada Xalane waaba the de facto Villa Somalia of the
country!
Naadiyow: Waaba tahay ma ogidow. Dadka gobolada jooga waxay u maleenooyaan
in Xamar ay caasimada u tahay; laakiin xerada Xalane bes lee waaye caasimada
dalka.
Afar Indhood: Koleyba bishaan keliya ee aan Xamar joogo ma igu ogid Isbaheysiga
agtiisa. Waxaan ku soo tukanaa Marwaas.
Naadiyow: Anba uma socdo Isbaheysiga iyo wax la mid ah. Masajidka Sheekh
Muxyadiin aan ku soo tukanaa Ciidul Fitriga.
----------
4
AMISOM soldier tries to frisk a child, who refuses to be touched, before to attend Eid
prayers at Mosque in Mogadishu, Somalia, July 28, 2014. ©REUTERS/Ismail Taxta
Saaxiibkey Sheekh Naadiyow wuxuu kaloo iiga waramay dhaqamo kale oo dalkii ku
soo kordhay shan iyo labaatankii sano ee u dambeeyey. Hadaladiisana waxaa ka mid
ahaa:
Naadiyow: Saaxiibow intaad maqneed wax weyn aa ku dhaafay. Qabiiladii
Soomaalida waa qooqeen. Waxay is-moodeen haddii AK-47 ay haystaan inay
Nuclear haystaan camal.
Afar Indhood: iyagoo waran keliya haysta ayba qooqanaayeen, ee qisada ii wad
saaxiib.
Naadiyow: Maalinta Jimcaha ama Sabtida ay ku aadan tahay Ciidul-Fitriga, hadduu
Ilaah yiraahdo. Waxaa arki doontaa saaxiibow ciyaalkii magaalada oo dhan oo ku
ciidaaya toys ah bunduq, bistoola, baazuuke, madfac iyo wax la mid ah. Dhif aa
arkeysaa ciyaal ku ciyaaraayo wax kale.
Afar Indhood: Haye!
Naadiyow: Xitaa wadaadadii Ahlu-Sunna waa qooqeen. Waxaa arkeysaa wadaad
dugsi qur’aan joogo oo ciyaal wax baraayo oo AK-47 ku dhex wata dugsiga
dhexdiisa. Markaad weydiiso sababta, waxow kuugu jawaabaa khawaarijta (alshabaab) aan iskaga celihaa.
Afar-Indhood: Runtiis miyaa?
Naadiyow: Runtiis waa tahay, oo dhallinyaro diin lagu qalday aa dalkii qasoosa,
laakiin ciyaalka dugsiga markii ay arkaan macalinkooda oo AK-47 mar kasta wata;
iyagana waa rabaan sidaas camal. Taas aa waxaa keentay in jiilka hadda soo karooya
ay ku abaabooyaan “culture of violence” dhibtiisa daba dheeraan doonta saaxiibow.
5
Cali Xoosh Mohamed, a Koran teacher from the Sufi Ahlu Sunna faction, teaches his
students while armed with an AK-47 assault rifle at a madrasa, or Koranic school, in
Dhusamareeb, central Somalia, December 16, 2012. ©REUTERS/Feisal Omar.
Afar Indhood: Macquul waaye taas Sheekh Naadiyow.
Naadiyow: Marka maxaan ula yaabaa askartaan AMISOM ee Xamar dhooban.
Horaa loo dhahay “Dooli Minaas Qooqo, Mukulaal aa loo Wacdaa”.
Afar Indhood: Saaxiibow wax badan aa u soo joogtay oo dalkii ka dhacay. Runtana
dad badan ma jecla.
Naadiyow: Saaxiibow Reer Xamar haddaan nahay waxaan ku maahmaahnay:
Maryooleey Dalkeeda Waxay U Dumisay, Dabbaalnimo Lee Maahinoo!
Afar Indhood: Saaxiibow, Reer Xamar maaheeno dadkii dhihi jiray laba qabiil aa
jiraa: Reer Magaal iyo Reer Baadiye bes?
Naadiyow: Haa.
Afar Indhood: Saaxiibow marka, haddii Reer Baadiye (Maryooleey) ay dabbaal
noqdeen; maxaas Reer Magaal (Banaadiri) usuna dabbaal u noqday oo dalka u
badbaadin waayey?
Naadiyow: Fajac kale ahaa taas!
Afar Indhood: Mise dad kaa badan iyo biyo kaa badan waa ku qaadaan camal
waaye!
Naadiyow: Saas u badi.
Afar Indhood: Saaxiibow, horaa loo yiri Reer Baadiye guri ma leh, tahriibna ma ka
naxo. Marka, Reer Magaalow dad hadii la waayo daanyeerkaa la walaalsadaa ee saas
ula socda.
6
Naadiyow: Saaxiibow, balaayada Xamar taal waa gowso waaweyn tahay.
Afar Indhood: Runtaa waaye, xumaanta Xamar ka dhacday labataan iyo shantii sano
u dambeysay waa xasuus dheer tahay saaxiibow.
Ciid Mubaarak
Mudane Afar Indhood (Xirsi Barkhad)
[email protected]
Somali children play with toy guns on the streets of Mogadishu, Somalia,
August 19, 2012. ©EPA/ELYAS AHMED.
7
A Somali government soldier and his son walk along Liido beach after attending
Eid al-Fitr prayers in Mogadishu, Somalia, July 28, 2014. REUTERS/Feisal Omar
A Somali boy plays with a toy gun after prayers to mark Eid al-Adha in the
capital Mogadishu, November 27, 2009. ©REUTERS/Mowlid Abdi
8

Similar documents

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014 qaybqaataan, meeshii ay qayb ka ahaan lahaayeen dadka dhibka wada. Waagaas xilli adag ayaa lagu jiray.dhibaatooyinka dalka ka socday, inta badan waxaa loo adeegsan jiray dhallinyaro.Taas oo dhallin...

More information