Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014

Transcription

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014
CODKA SOScEnSA
Resource Newsletter
Waa Bille Madaxbannaan
Jimce 31-ka January 2014 Cadadka 5-aad Sanadka 1-aad, Qiimaha 10,000 Sh.So
Tel: +252699777017 /+252616002296 E-Mail [email protected] Web www.soscensa.org
Somalia South-Central Non State Actors
FAALlADA WARGEYSKA
NIN XIL QAADAY EED QAAD!
Shacabka Soomaliyeed dhegahooda kuma
cusba weeraha ah “Golihii Wasiirrada” ayaa la
magacaabay, “Ku xigeenanadii iyo Wasiiru
Dowlayaashiina” waa lagu dhawaaqay.
Sidoo kale waxaan qabatinnay oo aan iyaguna
nagu cusbayn wararka joogtada noqday ee ku
saabsan baarlamaanka sida “Waa la ansixiyay”
“Mooshin cusub ayaa la keenay” “Dood ayaa
socota” iwm. waxaan kaloo maalmahan aad u
baranay maqalka ah “Miisaaniyadda Dowladda”
waa la ansixiyay.
Waxaase marnaba dhageheenu maqal is la
xisaabtan dhab ah iyo hantidii la ansixiyay oo
mar kale laga doodayo in qorshihii loogu talo
galay lagu bixiyay iyo in kale. Waxaa kaloo weli
sugaynaa maqalka masuul hantidii qaranka ku tagri
falay oo maxkamad la soo taagayo.
Tan iyo xorriyaddii kaddib, dowladihii dalka soo maray
marnaba kuma guuleysan in ay yagleelaan xukuumad
ku dhisan maamul wanaag, oo caddaaladda iyo
hufnaanta awoodda saarta.,Dalku inkastuu burbur iyo
dagaalo sokeeyo oo daba dheeraaday ku soo jiray,
haddana horey baa loo sii tallaabsanayaa oo isbedel
wayn ayaa jira, dadku nabad iyo nidaam hagaagsan
bay
u
hanqaltaagayaan,
dowladnimada
macnaheeda ayaa dadka ka dhaadhacaysa,
sidaas darteed aad bay u yaraan doontaa
aqbalaadda bulshada ee ay aqbasho dowlad aan
hufnaan iyo caddaalad ku shaqaynayn.
Golihii Wasiirrada waa la magacaabay,
maxaanse ka oranaynaa, ma waxaan ku
gaabsanaa inaan niraahno “Nin xil qaaday eed
qaad”,mise waxaan u sheegaynaa inaan
doonayno madax ILAAH ka cabsata, madax
aaminsan inay qowsaaro u yihiin shacabka, madax
caddaaladda iyo hufnaanta ku shaqaysa, madax in la
xisaabiyo iyaguna is xisaabisa ogol, madax dulqaad
iyo dareen dheeraad ah leh, madax danta guud ka
hormarisa tan gaarka ah.
Eed waadba qaaddeene, kuwo xilkooda ka soo baxa
EEBBE ha idinka dhigo.
.
BANDHIGGA
WARGEYSKA
Xaliimo Yareey oo Faafaafin ka
bixisey Doorashadii Maamul
Goboleedka Puntland 3aad
Xaliimo Yareey
Bogga Wararka
Sannad-guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa
iskaatooyinka Gobolka Banaadir oo la xusey
Jilayaasha
SOSCENSA
.
Cismaan Shaatax
Maxaad ka Taqaan Dalladda
Horumarinta Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SOYDEN? 4aad
Bogga Madadaaladda
Sheekadii: Aqoondarro waa u
Nacab Jaceyl 6-aad
Bogga Haweenka
5aad
Nolosha Islaamka
Doorka siyaasadda ee
haweenka
Soomaaliyeed shalay
iyo maanta 5aad
.
TAARIIKH
CIBRO Leh
8aad
Dhaqanka iyo aariikh
Suugaanta
Cibro leh .
Aw Jaamac Cumar Ciise: qoraa Ku weyn 11-aad
quluubta qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed
Guuxa Dadweynaha
Baarlamaanka iyo Guuxa 7-AAD
Dadweynaha
Faaqidaadda Ciyaaraha
Wiilal iyo Gabdho Orod ku Tartamay oo Koobab
lagu gudoonsiiyay magaalada Muqdisho 12 aad
..
10-aad
PRINTED AT: CAALAMI PRINTING HOUSE KM-4 MOGADISHU
Jimce 31-ka Janaury
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 2-aad
Bogga Wararka
Sannad-guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa
iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo la xusey
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada
Muqdisho lagu qabtey munaasabad lagu
xusayey Sannad-guurada 41-aad ee aas-aaska
Ururka
Dhaqdhaqaaqa
iskaashatooyinka
Gobolka Banaadir
oo ku beehneed 8-da
Janaayo ,waxaana ka qayb galey masuuliyin ka
tirsan Dowladda Federaalka ,xildhibaano ,
urarada Bulshada rayidka , qaybaha ka duwan
ee iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo marti
Daahir Maxamuud Dirir
sharaf kale
LIiibaan Bile Xiireey
Ugu horeyntii halkaa waxaa ka hadley Guddoomiyaha iskaashatooyinka Gobolka
Banaadir Mudane Daahir Maxamuud Dirir oo ku dheeraadey qaabkii ay ku abuurmeen qaybaha kala duwan ee
iskaashatooyinka wuxuuna dagaaladu saameyn wayn ku yeesheen dhaq-dhaqaadii iyo waxqabadkii
iskaashatooyinka, waxaa kale uu sheegey in maanta wixi ka dambeeya iskaashatooyinka ay yihiin kuwa doonaya in
ay ka qayb qaataan horumarka dalka ayna muujiyaan awooda wax soo saarkooda.
Xubnihii sidoo kale halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ka tirsan
Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka waxaana uu sheegey in dhinacooda ay gacan siin doonaa iskaashatooyinka si kor
loogu qaado aqoontooda sidoo kale waxaa uu u rajeeyey iskaashatooyinka Gobolka Banaadir in ay ku dadaalaan
sidii ay ugu gudbi lahaayeen heer qaran.
Waxaa sidoo kale munaasbadaas ka hadley gudoomiyey ku xigeenka Dallada SOSCENSA Liibaan Bile Xiireey oo
sheegey in Dalladda ay soo dhaweyneyso in marka kale ay soo muuqdaan ururadii iskaashatooyinka , waxaana uu
balan qaadey in Dallada ay la shaqeyn doonto ururka iskaashatooyinka Gobolka Banaadir.
Ugu damabeyntii waxaa munaasabadaas ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada
Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuuna ugu horeeyntii u Mahadceliyey sidii iskaashatooyinka Gobolka
Banaadiri uga gacansiiyeen nadaafadda Gobolka Banaadir sidoo kala waxaa uu uga Mahadceliyey Doorkii muuqday
oo ay ka qaateen sidii dadkii abaaraha dib u dejin loogu sameyn lahaa oo uu sheegey in la’aantood aysan suurtagali
lahayn in dadkaas dib u dejin lagu sameyeeyo .
Mudane Tarsan waxaa uu intaa raaciyey “ aduunyada iskaashatooyin ma qabaan laakiin waxay qabaan wax la
yiraahdaa Trade Union oo la mid iskaashatooyin iyaga ayaa ah ururo awood badan oo wax kasta lagala tashado
marka waxaan dooneynaa in iskaashatooyinkeenna ay la mid noqdaan kuwa Adduunka”
Kulan wadatashi ah oo ku saabsan horumarinta Magaalada Muqdishu.
Waaxda
qorsheynta
Magaalada Muqdishu
ee Gobolka Banaadir
oo
kaashaneysa
hay’adda
UNHABITAT oo dhaqaale
ka heshay xaafiiska
horumarinta caalamiga
ah
ee
Dowladda
Ingiriiska ee arrimaha
Soomaaliya, waxay soo qaban-qaabiyeen kulan labo
maalmood ah oo looga doodayey dhib-u-dhiska
Magaalada Muqdishu iyo caqabadaha hor-taagan
horumarinta caasimadda dalka.
Kulankaas waxaa lagu casuumay mas’uuliyiin ka kala
socday Hay’addo kala duwan sida; Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir,
Bulshada Rayidka ah, Xirfadleyda, Aqoonyahanno,
qeybo kala duwan oo ka mid ah Ha’addaha UN-ta sida
UNSOM iyo UN-HABITAT iyo ururo kale oo caalami ah.
Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna
Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamuud Axmed Nuur
Tarsan, waxaana hadalo qiiro, qaayo weyn iyo wacyi-galinba
leh ka jeediyey xubno badan oo ka kala socday qeybihii
kasoo qeyb-galay kulanka, gaar ahaan waxaa kulanka
hadal wanaagsan oo balan-qaadyo iyo bogaadin isugu jiray
kasoo jeediyey ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nichols Kay, wuxuuna
sheegay in Muqdishu ay tahay gurigiisa maanta ayna
dhammaan hay’adaha UN-tu maanta usoo wada guurayaan
Muqdishu, sidaas darteedna ay waajib tahay dhammaan in
laga shaqeeyo horumarka iyo amniga Magaalada Muqdisho.
Ujeedooyinka kulanka;sida ay goobta ka sheegeen qabanqaabiyayaashii kulankaas, ujaadadiisu waxay ahayd;
1-in lasoo bandhigo natiijada kasoo baxday daraasad lagu
sameeyey labada degmo ee Shangaani iyo Xamarweyne ee
Gobolka Banaadir, taas oo ku saabsan qaab nololeedka
degmooyinkaas, daraasadaas oo ay sameysay Waaxda
Qorsheynta Magaalada Muqdishu.
2-In dadka lagu wacyi-galiyo dhibaatooyinka iyo caqabadaha
haysta Magaalada Muqdisho ee lidka ku ah horumarinka
mustaqbal dhow iyo midka fogba.
3-In si waxtar leh looga doodo xalalka suurto-galka ah,
maareynta mashaakilka dhulka iyo dib-u-dhiska caasimadda.
4-In kulanku curiyo hab looga wada hadlo arrimaha
horumarinta Magaalada Muqdisho ayna kasoo baxaan
talooyinka loo baahan yahay in la qaado mustaqbalka ee
horumarinta caasimadda Soomaaliya.
Jimce
31-ka Janaury
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 3aad
BoggaWararka
Ururka Somali Independent Media House Association
(SIMHA) oo ay ku soo BiIreen Warbaahino kale
Waxaa Hotelka MakaMukarama
ee
magaalada Muqdisho
lagu
qabtey
munaasbad lagu soo
dhaweynayey
warbaahino kale oo ku
soo
biirey
Ururka
Somali
Independent
Media
House
Association ( SIMHA)
oo 26-ka bishii December 2013 looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho ,
waxaana munaasabadaas ka soo qayb galey madax ka tirsan Dowladda
Federaalka , afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir , Ururrada
saxaafadda , qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo martii sharaf kale
.Waxaa ugu horeyntii halkaa ka hadley gudoomiye ku xigeenka Ururka
Somali Independent Media House Association ( SIMHA) Ismaaciil Khaliifa
oo sheegey in ururka uu yahay mid doonaya in uu isku keeno dhamaan
qaybaha kala duwan ee warbaahinta , waxaana uu u mahadceliyey
waraabhinta ku soo biirtey Ururka
Xubnihiii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi
Maxamed Sheegow oo ka socdey Dalladda SOSCENSA wuxuuna si aad
ugu dheeraadey qaabkii loo aas-aasey Dallada SOSCENA , isagoo
sheegey in ay ku mideysan yiihiin ururo fara badan oo gaaraya ilaa lixdan
Urur, wuxuuna sheegey in Dalladooda ay soo dhaweynayaa Ururka
SIMHA
islamarkaana ay wax la qaban doonaan , wuxuuna kula
dardaarmey bahda warbaahinta in ay u hiiliyaan afkooda hooyo isla
markaana bulshada ku dhiira geliyaan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen
afkooda hooyo iyo dhaqankooda.
Waxaa kaloo halkaa ka hadley afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka
Banaadir Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo Maxamed Yuusuf iyo
Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka NUSOJ Maxamed
Ibrahim (Baakistaan) iyagoo halkaa ka muujiyey taageeradooda ku
aadan Ururka Somali Independent Media House Association (SIMHA)
waxay kula dardaarmeen in Ururka in ay sii balaariyaan si loo helo urur si
weyn ugu dooda dhamaan qaybaha kala duwan ee ee warbaahinta.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadley
Gudoomiyaha Ururka Somali
Independent Media House Association (SIMHA) Xasan Cali Geesey ayaa
yiri “fikirka SIMHA waxaa lahaa dhalinyaro soomaliyeed oo saxafiyiin ah
kuwaa oo doonaya in fikirkooda uu noqda mid taaba gal noqda oo la helo
warbaahin isku duuba “ waxaa uu si raaciyey “ in Ururka SIMHA uu diyaar
u yahay in uu soo dhaweeyo cid kasta oo dooneysa in ay ka mid noqoto”
Sidoo kale waxaa munaasbadaas ka hadley Agaasimaha Radio Kulmiye
Cismaan Cabdulle Guure ayaa si aad ah ugu dheeraadey in waraabhinta
ay tahay middi laba af leh oo hadii si fiican loo adeegsado uu sheegey in
ay wax dhisto , hadii si xun loo adeegsadana in ay wax dumiso waxaana
uu u soo jeediyey qaybaha waraahinta in ay ka shaqeeyaan sidii wadanka
nabad loogu soo dabaali lahaa, bulshadana horumar u horseedo.
Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadley Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda
warfaafinta boostada Isgaariisnta iyo gaadiidka Mudane Cabdishakuur Cali
Mire oo sheegey in dowladda faederaalka ay soo dhaweyneyso in ay
midoobaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxaana uu uga digey in
ururka uu la mid noqdo Ururadii inta la dhisey ka dibna iska baa’abay ama
is qabqabsi ku dhamaadey .
Haweenka Soomaaliyeed oo
saluugay saamiga la siiyey
Kulan aad u balaaran oo ka dhacay
Xarunta
Somali
Women
Sahro Axmed iyo Xaliimo Yareey
Developments
Center
(SWDC),waxaana
kulankaasi
isugu yimid qaar ka mid ah
Haweenka Soomaaliyeed oo uga
hadlay
qaabkii
loo
dhisey
xukuumada cusub iyo sida
Haweeka Soomaaliyeed aysan uga
helin xukuumadaas qaybtii ay ku
lahaayeen.
“Golahii Wasiirada ee dowladii hore
ee Saacid oo ka koobnayd 10 Wasiir
waxaan ka helney laba wasiir oo
wasaarado muhiim ah loo dhiibey ,
waxaan haatan fileyney in intaas ka
badan aan ka helo golaha
wasiirada cusub ugu yaraan 18
Wasiir maadaama ay yihiin 55
wasiir taasi ma dhicin” ayey tiri
Xaliimo
Ismaaciil
Ibraahim
(Xaliimo yareey) oo intaas sii
raacisey “Haween dadaal u galey in
xubno ka noqdaan golaha Wasiirada
ayaan
dheg
jalaq
loo
siin
codsigooda, marka waxaan ka
codsaneynaa madaxda sare ee
dowladda in ay
ka dhabeeyaan
Balan qaadkoodii hore ee ahaa in ay
Xubno badan ay hogaanka dalka ku
yeelan
doonaan
Haweenka
Soomaaliyed”.
Sahro Axmed Maxamed oo iyana ka
hadashey kulankaas ayaa sheegtey
in Haweenka Soomaaliyeed aysan
xaquuqdii ay doonayeen ka helin
dhamaan dowladihii Soo marey dalka
waxayna
Madaxweynaha
,
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Raiisul Wasaaraha ka codsatey in
guddiyadda heer qaran ee la dhisayo
ay Haweenka Soomaaliyeed
ku
yeeshaan xubno badan maadaama
laga qadiyey baarlamaankii la dhisey
iyo golaha wasiirada ee uu dhawaan
soo magacaabey Raiisul Wasaare
Cabdiweli Shiikh Axmed
Jimce
31-ka Janaury
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 4aad
Jilayaasha SOSCENSA
Maxaad ka taqaan Dalladda Horumarinta Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SOYDEN?
Si akhristeyaasha
ku taxan Wargeyska Codka
SOSCENSA, ay wax badan uga ogaadaan taariikhda
iyo waxqabadka Dalladda SOYDEN, oo xubin firfircoon
ka ah SOSCENSA, ayaa Wargeysku,
xafiiskiisa
wareysiga soo socda, kula yeeshay 13ka Janaayo 2014,
Guddoomiyaha Dalladda Horumarinta Dhallinyarada
Somaliyeed ee SOYDEN, Cisman Muxyadiin Macalin.
SOYDEN waxay ka mid ahayd shan dalladood,oo ay
SOSCENSA dhowaan
guddoonsiisay shahaadooyin
hawlkarnimo. Taas oo lagu ogaaday cilmi-baarisay
SOSCENSA sameysay, si ay u kala ogaato kartida
waxqabad ee xubnaheeda 60-ka ah.
Cisman Muxyadiin hadalkiisa wuxuu ku bilaabay, marka
ugu horaysa, Wargeyska Codka SOSCENSA, waa ku
mahadsan yihiin fursaddaan ay na siiyeen SOYDEN
ahaan. Dalladda SOYDEN waxaa Xamar ku asaasay
17-kii Oktoobar ee sannadkii 2002-dii, 11 urur oo
dhallinyaro ah markaas xamar ka hawlgelayey.
Sababaha Dalladda SOYDEN loo asaasay,waxaa ugu
weynaa in xoogga dhallinyarad la uruuriyo, lana
mideeyo, si ay dadkooda iyo dalkooda horumarkiisa uga
qaybqaataan, meeshii ay qayb ka ahaan lahaayeen
dadka dhibka wada.
Waagaas xilli adag ayaa lagu jiray.dhibaatooyinka dalka
ka socday, inta badan waxaa loo adeegsan jiray
dhallinyaro.Taas oo dhallinyarada sawir xun ka
bixinaysay markaas. Dalladda SOYDEN, waxay xoogga
saartay,sidii ay dhallinyarada sawirkaas xun uga beddeli
lahayd,
waxayna abaabushay kulamo ay ku
wacyigelinayso sidii ay dadkooda iyo dalkooda wax fiican
ugu qaban lahaayeen.Waxaan u bilawnay xirad-barid.
Markii dambena waxaa noo soo baxday, haddii aan la
midayn qaybaha kala duwan oo bulshada, in aan
dhallinyarada keligeed waxba qaban karin.
Laba sababoodba, tan kowaad, annaga oo ah hay'ad
yar oo aan lahayn awood badan , oo ay ku daboosho
baahida faraha badan ee haysata dhallinyarada
Soomaaliyeed ee dalka oo dhan joogta. tan labaadna
waxay ahayd, waagaas oo maamuladii dalka ka jiray iyo
hay'adaha caalamiga midkoodna, uusan diyaar u ahayn,
una soo jeedin in ay dhibaatooyinka dhallinyarada haysta
hoos u eegaan.
Labadaas sababood oo markaa jiray awgood, ayeyna
suurtogal u ahayn in ay dhallinyarada keligood, inta
gooni u baxaan isbedel leh saameyn muuqata u
sameeyaan.
Waxaa markaa noo soo baxday, in loo baahan yahay, in
aan meel isugu keeno, qaybaha bulshadu ka kooban
tahay sida odoyaasha, culumaa’u diinka, Haweenka,
ganacsatada iyo dhalinyaradaba.
Sannadkii 2007-dii ayaan ku dhaqaaqnay sidii loo
sameyn lahaa guddiyo nabadda ka shaqeeya, oo ay
kuwada
jiraan:
Culumada
Diinta,
haweenka,
dhallinyarada, ganacsatada iyo odeyaasha dhaqanku.
Ujeedaduna waxay ahayd si dhibaatooyinka dalka
haysta wax looga bedelo, in xoogagga bulshada oo
dhammi iska kaashadaan meelmarinta ujeedadaas.
Aasaasidii Hay’ada ka Digista iyo ka Jawaabista
Colaadaha.
Dhisida gudiyada nabadeed waxey ka bilaabatey khibrad
aan ka dhexalney hay’ada CEWARN/IGAD, hay’adaas
oo aan kala shaqeyney sidii loo aasaasi lahaa gudiyada
nabada ee heer degmo kuwaas oo qayb ka ah hay’ada
ka digista iyo ka jawaabista colaadaha kuwaas oo ka
dhaca xuduudaha.
Muddo sedex sano ah ka dib sanadkii 2010, hay’ada
SOYDEN waxaa u suurtogashey in ay dhisto hay’adaas
ka digista iyo ka jawaabista colaadaha, waxaana inoo
suurto gashey in aan ka dhisno 7 degmo oo xuduudka ku
yaal gudiyo nabadeed.
Dhisidda gudiyo nabadda ka shaqeeya.
Waxyaabihii aan ka baraney intii aan ku jirney sameynta
gudiyada nabadda ee degmooyinka xuduudaha ayaa
waxa inoo soo baxdey in loo baahan yahay in laga
hirgeliyo gudiyadaas degmooyinka wadanka oo dhan.
Waxaa kaloo inoo soo baxday, in wadajirka qaybaha
bulshada meel kuwada nool, wax badan lagu qaban
karo..
Kala qaybgal UNDP mashruuca amniga iyo badbaadinta
bulshada eeloo yaqaan (Community safety).
Annaga oo kaashanayna hay'ada UNDP, waxaa hay’ada
SOYDEN u suurtogashey in ayaan 12 degmo oo ka mid
ah degmooyinka Gobol Banaadir, ka dhisto guddiyo
nabadda ka shaqeeya.Guddiyadaaas, ayaan markaas u
bilawnay barnaamijyo ku saabsan awood-dhisid iyo
wacygelin fara badan. Waxaa mar kale noo suurtogashay,
annaga oo kaashanayna gudiyada nabasda iyo
maamulada degmooyinka in aan 250 dhallinyaro ah u
furno tababar xirfadeed anagoo magaalada Muqdisho ka
dhisney labo xurumood oo dhalinyaradaas lagu tababaro.
La Soco Qaybta kale .
Talaado
31-ka December
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 5aad
Bandhigga Wargeyska
Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan Dood Wadaag ah oo ku
saabsan Dib u Habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka.
Waxaa
Hotelka
Jazeera
ee
Magaalada
Muqdisho
lagu
qabtey dood ku
saabsan dib u
habaynta
nidaamka
garsoorka dalka
waxaa dooddii ka
Cismaan Muxyadiin Shaatax
qayb
galey gudoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir
Xaashi Cilmi Nuure iyo masuuliyiin ka tirsan
Wasaaradda Garsoorka waxayna bulshada rayidka ay
weydiiyeen Su’aalo ku saabsan xadgudubyada kufsiga
,is qabsiga dhulalka, dilalka iyo xadgdubyo kale
Mudane Xaashi wuxuu Su’aalahaas u uga jawaabey
sidoo loogu talagaely sidoo kale waxaa wax laga
weydiiyey waxa ka qabsoomey qodobadii ka soo
baxay shirkii dib u habaynta Nidaamka Garsoorka
dalka ee dhacay Bishii April ee Sanadkii tagay .
Shirkaan oo uu qaban qaabadiisa ay lahaayeen
Kooxda dib u dhiska
nabadgelyada iyo dowlad
wanaaga ee Dallada SOSCENSA oo uu guddoomiye
u yahay Csimaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka qayb
galayaasha waxay sid aad ah uga doodeen qaabka
ugu haboon ee loo heli karo garsoor cadaalad ku
dhisan waxaana ka qayb galayaasha loo qaybiyey
dhowr Kooxood si ay u so saaraan baaq ku aadan dib
u habaynta nidaamka garsoorka dalka
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadley Gudoomiyaha
Dallada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac
oo sheegey in sababaha ay u qabanayaan doodaha
noocaan oo kale ay tahay sidoo loo heli lahaa garsoor
cadaalad ku dhisan iyadoo uu sheegey in ay taasi ku
imaan karo iyadoo laga tala geliyo bulshada rayidka
waxaana gabagabadii dooddaas dib u habaynta
nidaamka garsoorka dalka laga soo saarey qodobada
hoos ku qoran
1- In Dowladu Faderaalku soo bandhigto rabitaan
Siyaasadeed oo ku aadan fulinta talooyinkii
shirwaynihii Qaran ee dib-u-Habeynta Garsoorka
dalka.
2-In bulshada rayidka kula xisaabtanto dowladda
fulinta balan qaadyadii ka soo baxay shirwaynihii
qaran ee April 2013 ee dib u habeynta garsoorka
dalka.
3-In Dowladdu la timaado rabitaan siyaasadeed oo ku
aadan
tayeynta
hay'adaha
garsoorka
dalka
maxkamadaha iyo booliskuba si sare loogu qaado
Amaanka iyo nabadgelyada shacabka
4-In bulshada rayidka qayb ka qaadato tayeynta
hayadaha garsoorka iyo sare u qaadida kalsoonida
shacabka ugu dambeytii ka qayb galyaasha waxay u
mahadceliyeen Dalladda SOSCENSA oo markasta ku
Howlan fududeynta wadatashiyada qaybha muhiimka
u ah bulshada
Xaliimo Yareey oo Faafaafin ka bixisey
Doorashadii Maamul Goboleedka Puntland
Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center
(SWDC) Shir Jaraaid ku qabtey qaar ka mid ah
Haween
lagu
martiqaadey
ka
qayb
galka
doorashadii
8
Janaayo
ka
dhacdey Magaala
Madaxda
Puntlanad
ee
Garoowe oo uu ku
soo baxay Raiisuul
wasaarihii hore ee
Soomaaliya
Dr
Cabdiweli
Maxamed
Cali
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
Gaas kuwaas oo
dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho oo markii
hore ka ambabaxeen.
Haweenka oo horey martiqaad uga hely ururka
Haweenka ee Talo wadaag oo ka dhisan Maamulka
Puntland ayaa waxaa hogaaminayey Xaliimo
Ismaacil(Xaliimo
yareey)
waxayna
booqdeen
Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe oo ay kaga
qayb galeen doorashadii xildhibaanada Maamulka
Puntland ku doorteen hogaan cusub oo bedela kii
hore
ee
uu
hogaaminayey
Madaxweyne
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole
Ugu
horeyn
waxaa
saxaafadda
la
hadley
Haweeneydii hogaamineysey wafdigii ka qayb galey
doorashadii Puntland Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo
Yareey) waxay sheegtey in ay la kulmeen Haweenka
Ururka Talo Wadaag , Gudoomiyaha Baarlamaanka
Puntland , ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee
Soomaaliya Nicholas Kay iyo Madaxweynaha cusub
ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay
dhaamaantood isla soo qaadeen xaaladda ay ku
sugan yihiin haweenka , caruurta iyo dhalinyarada oo
ka mid ah bulshada ku dulman Siyaasadda
Soomaaliya waxayna ka codsadeen sidii bulshadaas u
heli lahaayeen xaquuqdooda
Sidoo kala Xaliimo Yareey
waxay ka dalbatey
madaxda dare ee Dowladda Federaalka oo ay ugu
horeeyaan baarlamaanka Soomaaliya in ay ka
fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf , waxayna
si gaar ah ula hadashey xildhibaanada baarlamaanka
oo ay ka codsatay in ay xilka umadda u hayaan u
gutaan sida ugu haboon.
Talaado
31-ka December
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 6aad
BoggaMadaaladda
Aqoon-darro Waa u Nacab Jaceyl
Wax
yar
kadib
markii la qoray Af
Somaliga
ayaa,
waxaa durbadiiba
soo soo burqaday,
maskax badan oo
muddo
dheer
gaaxsanayd, oo u
oomanaa
cid
maasha.
Waxaana
soo
shaac baxay, halbuureyaal,
sawirmaskaxeed,
ku
curiyey sheekooyin
bulshada
dhexdeeda caan ka
noqday, oo
si
Faarax .M. Jaamac (Ca\wl)
dadban
u
taabanayey nolsha
dhabta ah ee bulshada ka dhex jirtay. Waxaana ka mid
ahaa: Sheekada Adeegto, oo uu qoray M.X. Cisman.
Sheekadii Maana Faay oo uu qoray Maxamded Dahir
Afrax, Sheekadii Ayaan daran oo uu qoray Cabdullahi
Sheekh Xuseen " Hantiwadaag." iyo Sheekada Aqoondarro, waa u nacab jacayl, oo uu qoray Faarax
Maxamed Jamac (Cawl.) oo ah sheekada aan ku
bilaabayno qormadaan.
Sheekooyinkaas afarta ahiba, inta badan, waxay ku
saabsan yihiin oo shiishka saarayaan dhibaatooyinka,
gabdhaha Soomaaliyeed, ka haysta nolosha shalay iyo
maanta' welina sidii iyo si ka sii daran uga
haysta
nolosha. Wargeyska Codka SOSCENSA wuxuu
akhristeyaashiisa, u soo bandhigayaa qormooyin ku
saabsan sheekooyinkaas qaarkood. Waxaanna ku
bilaabaynaa , Sheekada Aqoon-darro, waa u nacab
jacayl, oo uu qoray, 1974tii Faarax Maxamed Jamac
(Cawl.) Wuxuu kale oo qoray buug la yiraahdo, Garbbaduubkii Gumaysiga, oo uu qoray 1978. Faarax wuxuu ku
dhashay 1937, degaankaa Laasqoray ee Gobolka
Sanaag. Waxbarshada dugsiga hoose, wuxuu ku bartay
magaalada Cadan ee dalka Yemen. Dabadeed, 1952dii
ayuu ka soo dhoofay Cadan, wuxuuba yimid magaalada
Hargeysa, ayaa wuxuu ka galay Dugsiga Farsamada
Gacanta. Kadib, markuu dugsigaas farsamada ka baxay,
ayuu dalka Ingiriisa u aaday waxbarasho sare, halkaas
oo uu sanadihii 1959-1961, ka soo qaatay shahaado
Injineernimo xagga farsamada baabuurta ah.
Waa sheeko jacayl ah oo run ah, sida qoruhu ku
sheegay buugiisa. Waxayna dhexmartay gabar la oran
jiray Cawrala iyo Cali maax. waxayna ka dhacday
degaanka Xiis,oo ku yaala Gobolka Sanaag. Xiis waa
dhul buuraley ah, oo hodon ah. Jacaylka haleelay
Cawrala iyo Cali maax, wuxuu dugsanayey dhirta
udugga iyo carafta badan, oo ay ka mid yihiin: Maydiga
iyo faleenka carfoon oo degaankaasi caanka ku yahay
Cawrala yaraanteedii waxay ku barbaartay, dhulkaas
buuraha, qurux loo dhammeeyey, midabkeedu maariin
yahay, leh timo dhaadheer oo garabaha laba taako ka
sii rogan.
Korkeedu ma lahayn meel laga saluugo.
Cawralka marka ay qoslayso inta badan, dhoolaha ayey
ka qosli jirtay. markii dambe magaalada Cadna ayey
aadday, halkaas oo ay ugu tagtay dad ay qaraabo
ahaayeen.
Shan sano ayeyna Cadan joogtay. Intii ay Cadan joogtay
Cawrala waxbarasho ayey bilawday. Waxayna heer
fiican ka gaartay
barashada Quraanka iyo afka
carabiga.
Cawrala waxaa la dhashay wiil Dalmar la oran jiray iyo
laba gabdhood, oo ay midna ka yarayd midina ka
weynayd
Hooyadeed iyo aabbaheedna waxay ku noolaayeen
magaalada Xiis iyo migeeda buuraha ku yaal.
Aabbaheed Barre wuxuu had iyo goor ku faanin jirey
uguna ducayn jiray mudeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kasta oo mararka qaarkood, waxay
damacado ma ahee, ayan Cawrala , wax kale yeeli jirin.
Cawrala iyo Cali Maax ayaa waxay dooni ka soo [wada
raaceen magaalada Cadan.
Doonidaas oo la oran jiray SUBXAAN, ayaa waxay ka
soo shiraacaday makhribkii marsada Cadmeed.
Waxayna sidday 15 rakaab ah oo 12 rag yihiin,
saddexna haween Cawrala ay ka mid tahay, iyo 20
badmaax oo ka shaqeynayey doonida.
Sida caadadu tahay saddexdii haweenka ahaa , waxaa
loo gogley huuriga dushiisa, halka ragga rakaabka ahina,
ay fadhiyeen meel saddex tilaabo u jirtay.
Habeenkaas hore, waxaa jiray dayax, dhalaal weyn, oo
shan iyo tobnaad ahaa, cirkuna waa cusbaa oo waxaa
ka muuqanayey, daruur leh saansaan roob ma hiigaan
ah.Markay abbaara fiidkii ahayd, oo ay shaqaalihii
doonidu dadkii rakaabka ahaa siinayeen cashada, ayaa
waxaa sheeko dhexmartay Cali Maax iyo Nuur Ciise, oo
labaduba ka mid ahaa rakaabka doonta saaran. Cali
maax ayaa wuxuu Nuur ku yiri, " Nuurow waa adigaan
wareeree, maxaa baddaan baas ku soo mariyey? maad
reerkaagii iska joogtid oo iska maashid xoolahaagii
boqolaalka ahaa? Haddii aan adiga ahay, weynaan ,
badahaan jaan kuma soo galeen, oo hadba inta aan
doonida jenbigeeda qabsado, aa! aa! aa! ma iraahdeen.
Kulase yaabi mayo, waxaa dhibkaan ku soo mariyey
waa arrad iyo gaajo, ee maxaad Cadan sooryo ka soo
heshay?imisa Mohoradood iyo isku joog, baad reerkii u
sidaa, waa adigii wiilkii aad habarwadaagta ahaydeen,
wiilkii uu sii dhalay u tegeye.?
Qore Faarax Maxamed Jaamac (Ca\wl)
Qaybta 2aad la soco Cadadka xiga
Jimce
31-ka
Jan
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 7aad
Guuxa Dadweynaha
Baarlamaanka iyo Guuxa Dadweynaha
Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa dhowaan bilaabay
dhegeysiga guuxa dadweynaha, dabadeedna ku xijiyey
dhegeygsiga guuxa dhallinyarada.
Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cisman Jawaari,ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa:
Barlamaanka yaa la xisaabtamaya? Dadweynaha
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shikh Ciismaan
Soomaaliyeed ayaa la xisaabtamaya xildhibaanada,
aniga laga bilaabo.
Dawladnimada
Soomaaliyeed
waxaa
iska
leh
dadweynaha. Madaxdu daraja kasta oo ay joogto, waa
adeegeyaasha dadweynaha.Iyaga ayey u shaqeeyaan.
Haddii ay garan waayaan, idinku garansiiya, oo u
sheega, mushaarka ay qaataan in magaca ummadda
Soomaaliyeed darteed lagu keeno. Waajibaadka Golaha
Shacabka waxaa ka mid ah.
in uu marka hore dhegeysto guuxa dadweynaha,
dabadeedna
falanqeeyo,
una
beddelo
sharci.
Xukuumadana ku dabagalo fulintooda.
1. Suldaano Axmed Maxamed oo ka socotay Degmada
Kaaraan, ayaa tiri, '"Guuxa dadweynuhu waa badan
yahay. Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaan uga
mahad celinaynaa fursaddaan qaaliga ah oo uu na
siiyey, si aan u soo bandhigno dareenka ku aaddan
xaaladda dalkeennu ku sugan yahay.
Waxaan leeyahay, xildhibaanow, fadhiga ka kaca, oo
ka soo baxa hoteelada aad ku oodan tihiin, oo dadkiina
soo dhexgala oo nolosha la wadaaga. Tan labaad,
xildhibaan kastaa waa in uu aadaa gobolkii uu ka soo
galay barlamaanka,oo dadka kala shaqeeyaan sugidda
amniga, nabadeynta
iyo horumarinta adeegyada
bulshadu u baahan tahay.
Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cisman Jawaari,oo u jawaabayey Suldaano ayaa yiri,
" Suldaano, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay,
waxaad taabatay, arrin muhiim ah oo aan aad u ayidsa
nahay. Waa run, oo xildhibaan walba waxaa xil ka
saaran yahay,in uu si gaara ula socdo xaaladda
degaankiisa".
2. Muwaaddan Axmed Maxamed, wuxuu weydiiyey laba
su'aalood.
Tan -1aad, Maxaa Dawladdu xoogga u saaraysaa
Gobolka Banaadir keliya, aaway goboladii kale ee dalku?
Tan 2-aad, Maqaamka magaalada Muqadishow muxuu
noqon doonaa?
Jawaab. Su'aasha ku saabsan xagga gobolada,
maamuladii degmooyinka iyo gobolada, intoodii badnaa
weli ma dhisna,sida aan ku soo arkay mar aan booqasho
ku tegay. Degmooyinkaas aan maamulka lahayna,
waxaa ka socda fawdo.
Tusaale ahaan, waxaan arkay, degmo lacagta
canshuurta ah oo
subaxdii, dadweynaha laga soo
uruuriyo, galabtiina, rag hubaysni hortooda ku
qaybsadaa, iyaga oo indhahoodu shanta yihiin.
Su'aasha ku saabsan maqaamka Muqadishow muxuu
noqon doonaa. Waa arrin dadweynaha loo soo bandhigi
doono, marka laga doodayo,
qabyo-trika dastuurka iyo nadaamka federaalaynta
dalka. Dunida, marka laga hadlayo arrintaan oo kale,
waxaa la kala doortaa saddex nadaam midkood.
a. Magaalo-madax ku dhextaal dawlad-goboleed.
b.Magaalo-madax dawlad-goboleed ah
c. ama magaalo-madax federaalka toos ugu xiran.
Dadweynaha Somaliyeed ayeyse arrintaasi u taal,wixii
ay ka yeeli lahaayeen.
3. Cabdulqadir Cali Caddow, ayaa Guddoomiyaha
weydiiyey laba su'aalood. Tan 1-aad. Maxaa xubnaha
xukuumadda mar walba dibadda looga keenaa? Tan 2aad. Goormaan ka baxaynaa xildhibaano ay odeyaashu
soo magacaabeen?
Jawaata 1-aad. Wasiirka dibadda looga yeerayo iyo kan
dalka joogaba, labaduba waa muwaadiniin leh xuquuq
siman.
Tan labaad ,raisul-wasaaruhu marka uu xulanayo
xubnaha xukuumadiisa, wuxuu ku xulanayaa tayadawaxqabad iyo kartida qof waliba leeyahay.
su'aashada 2-aad, oo ku saabsan, goormaa laga
baxayaa xildhibaan odey soo magacaabay. Waxaa laga
baxayaa arrintaas, dalku markii uu yeesho xisbiyo
siyaasadeed oo si nabad ah ugu loolama hoggaanka
dalka. Xisbigii codadka ugu badan helana guushu ku
raacdo, sidii ay ahaan jirtay 40 sano ka hor. Tani waa
xaq dastuuri ah, oo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed
leeyahay. Taas , oo ah in uu ka mid noqdo ama uu
abaabulo xisbi siyaasadeed,si uu wax u doorto ama loo
soo doorto.Waxaan jecelnahay, baarlamaan ahaan,in
aan dhammayno sameynta shuruucda xisbiyada badan
sannadkaan 2014-ka inta lagu jiro.
Dadka doonayaa in ay xisbiyo siyaasadeed samaystaan,
waxay helayaan fursado ay si fiican isugu abaabulaan
inta lagu jiro 2014-2015-ka, si ay 2016-ka iyaga oo
diyaar ah doorashada guud uga wada qaybgalaan.
La soco Cadadka xiga
Jimce
31-ka
Jan
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 8aad
NOLOSHA ISLAAMKA
Taariikh Cibro leh
Qeybtii 4-aad
waa qeybtii ugu danbeysay qormadii koobneyd ee aan
ka bixineynay burburkii ku dhacay Dowladdii Islaamka ee
ka talin jirtay dhulkii loo yaqaanay ANDOLOS muddada
aadka u dheer. Waxaan qormadaan maanta uga
hadleynaa; maxay tahay cibrada ama darsiga lama
ilaawaanka ah ee laga faa’iidayo burburka dowladii
Islaamka ee ANDOLOS iyo baaba’a dadkii muslimiinta
ahaa ee ku noolaa dhulkaas? Culumada Islaamka ee
qora Taariikhda iyaga oo tixgalinaaya nusuusta sharciga
ee kusoo aroortay khilaafka iyo marka ummada Islaamku
gacan-saar iyo xiriir hoose la yeelato caddowgeeda isuna adeegsato si kooxi koox kale uga guuleysato ama
dad gaar ahi u gaaraan dan iyo ujeedo ay leeyihiin waxay sheegeen arrimo badan oo darsi ahaan laga
faa’iideysan karo burburkii ku yimid dowladdii Islaamka
ee ANDOLOS, kaas oo salka ku hayey sababna ay u
ahaayeen labada arrimood ee aan kor kusoo sheegnay
(khilaaf aragtiyeed ama mid dagaal iyo isu adeegsi
shisheeye). Duruustaas oo aad u badan waxaan kusoo
koobeynaa saddex (3) qodob oo kala ah;
1. Dal ama dad deegaan wadaaga oo isku meel ku nool,
isku danna ah, aysana marna suuro-gal ahayn in ay
kala faaruqaan oo qoloba dhinaceeda aado, marka ay
qabsadaan arrimahaas aan soo sheegnay, waxaa
looga gudbi karaa oo dowladii ANDOLOS weysay, in
la helo dad isku dareen ah aaminsanna hal wado oo
dhibka taagan looga bixi karo kuna mideysan
wadadaas, tasaale ahaan waxay kutubta Taariikhda
Islaamku soo qaataan, Nabigeena Maxamed
(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha-ahaatee) markii
waxyigu kusoo degay oo qabiilkii iyo deegaankii uu ku
dhashay kana dhashay cayriyeen kana saareen
magaaladda Makka, wuxuu u hijrooday oo dowladdii
uu dhulkii oo dhan ku qabsaday ka aasaasay
Magaalada Madiina. Magaaladaas waxaa degi jiray
labo qabiil oo carab ah oo la kala oran jiray Ows iyo
Khazraj, waxay dagaalamaayeen oo naf iyo maal isku
beeleen muddo boqolaal sano ah, waxaana la
sheegaa in aysan waligood ku fakarin in heshiis dhexmaro meesha arrintu ka gaartay. Laakiin markii rag
dhalinyaro u badan oo inta Nabigeena Maxamed
(NNKH) ugu tagay magaalada Makka soo qaatay
Diinta Islaamka iyaga oo mideysan kana kooban
labadii qabiil ee Ows iyo Khazraj kusoo laabteen
magaaladii Madiina ugu yeereen labadii qabiil ee
dagaalka iyo khilaafku baabi’iyey in ay qaataan Diinta
kuna midoowbaan ayna ka qaateen waxaa halkaas
looga gudbay khilaafkii boqolaalka sano soo-jireenka
ahaa. Taasina waa tusaale cad oo marka dagaal iyo
khilaaf dal ku-dabo-dheeraado si looga baxo waxay u
2.
baahan tahay in la helo dad ku mideysan hadaf ay leeyihiin
oo dadka iyo dalka nabadgelyo iyo heshiis u horseeda.
Inta badan dadka waxaa khilaafka iyo dagaalka u
keena oo ay isaga hor-yimaadaan arrimo badan oo
ay ka mid yihiin; khilaaf ka jira kheyraadka dhulka,
raadin madaxtinimo, aargoosi iyo aano qabiil IWM.
Arrintaasna waxaa sababa inta badan dhulka
khilaafka iyo dagaalku ka jiro oo aan lahayn sharci
kala saara dadka ama sharcigii waa jiraa ee waxaan
jirin cid tixgalineysay oo dhowraysay qof-walbana
wuxuu wax ku raadinaayaa sida ay isaga la tahay
isaga oo si cad u garab maraaya sharcigii dhulka u
yaalay. Dowladdii Islaamka ee ANDOLOS waxay
haysatay Shareecada Islaamka oo ay muddo aad u
dheer ku dhaqmaayeen ahna sharci uu Alle (WS) soo
dejiyey ciddii isku maamushana aysan wax dhib iyo
khilaaf ah arkeynin, waxaa dhacday in madaxdii ka
talineysay dhulkii ANDOLOS iyaga oo fiirinaaya
danahooda gaarka ah ay si toos ah oo aan qarsoodi
ahayn u garab mareen Shareecadii Islaamka, isuna
adeegsadeen gacmo shisheeye abuureenna khilaaf
aad u badan, labadaas arrimood oo Shareecada
Islaamku mowqif cad ka taagan tahay Alle iyo
Nabigiisuna
si
cad
u
caddeeyeen
xaaraantinimadooda. Markii Shareecadii Islaamka ee
dhulka ANDOLOS sharciga u ahayd la garabmarayna waxaa lagu waayey gabi ahaanba dhulkii
ANDOLOS. Taasina waa tusaale cad oo hadii la rabo
in khilaaf iyo dagaal ragaaday laga gudbo sida ka jirta
dalkeena Soomaaliya oo kale ay lagama maarmaan
tahay in sharciga dhulka Diin iyo mid lagu heshiiyeyba la
texgaliyo, hadii kale waayo badan la dhexfadhindoono
khilaaf iyo dagaal aan dhammaad lahayn.
3. Waxay culumada Islaamku si aad ah ugu sheegaan
taariikhda ANDOLOS marka ay qorayaan farqigii u
dhaxeeyey xag horumar iyo dhul ballaarisba labadii
waqti ee ay soo martay dowladdii Islaamka ee
ANDOLOS; waqtigii hore ee xoreynta iyo galistii
Diinta islaamka ay gaartay dhulkaas iyo waqtigii
danbe ee khilaafku hareeyey dhulkaas. Hadaba
marka aad si dhiifoon u dhuuxdo qoraalada culumada
waxaa kuu soo baxaysa in markasta oo dadka iyo
dowladuhu midoobaan uu kordho horumarkooda iyo
dhul ballaarsiga ay sameynayaan
La Soco Qayb galey .W/D Saciid Birmad
,
Dhalashada Nabigeenka
Maxamed (NNKH)
Waxaa maalmahaan lagu gudo jiraa Bishii Mowliid ee uu
dhashay Nabigeena Maxamed (NNKH), waxaana
daafaha aduunka aad looga xusay oo dabaaldegyo
aad u ballaaran muslimiinta aduunku u sameeyeen
Dhalashadiisa oo ku aaddan (12-ka Bisha Mowliid
ee sanadka Hijriga ah) sida ay qabaan culumada
Islaamka qaarkood. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa si la mid ah
Muslimiinta kale ee Aduunka sameeyey dabaadegyo iyo
isu soo baxyo waaweyn oo lagu weynaynaayo
Dhalashada Nabigeena Suuban (NNKH).
.
Jimce
31-ka
Jan
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 9aad
Arrimaha Dhalinyaradda
Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortagga Burcad-Badeednimada ee SAPIC oo
kulan Wacyi-gelin ah ku qabatey Baydhabo
Xarunta ka-Hortagga Brcadbadeedda Soomaaliya ee(SAPIC)
ayaa kulan looga hadlayay dhibaatooyinka burcadBadeednimada ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta
Gobolka Baay, iyadoo kulankan ay hadallo u badan wacyigelin ay ka jeediyeen waxgarad iyo mas’uuliyiinta xarunta
SAPIC.
Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn Aayadaha Qur’aanka
Kariimka ku furay, Sheekh Carmiye C/qaadir oo ka mid ahaa
xubnihii kulanka lagu casuumay, iyadoo intaas kaddibna ay
billowdeen hadallo ay xubnaha kulanka ka soo qayb galay
jeediyeen.
“Reer Baydhabo waa inay dhallinyaradooda ka wacyigeliyaan burcadnimada iyo dhibaatooyinkeeda. haddii
Gobollada xeebaha ay ka jiraan bucad-badeed annagu waxaan qabnaa burcad dhuleed, waana in xoogga la wada
saaro sidii dhallinyarada ay uga fogaan lahaayeen wax walba oo murcadnimo ah,” ayuu yiri Madaxa Hay’adda SAPIC
ee Baydhabo, Cali Macallin Isaaq oo hadalkiisa ku da ray in xarunta SAPIC ay u taagan tahay sidii dhallinyarada
looga wacyi-gelin lahaa dhibaatooyinka burcadnimada nooca ay doonto ha ahaadaane.
Sidoo kale, Sheekh Miiris Maxamed oo ka hadlay waxay Diinta Islaamku ka qabto dhibaatoyinka burcadnimada ayaa
sheegay inuu islaamku reebay gebi ahaan nooc kasta oo burcadnimo ah, wuxuu soo qaatay dhowr Aayadood oo
kuwaasoo qaarkood tilmaamayay in ruuxii burcadnimo ku sifooba ay banaan tahay in la dilo ama lug iyo gacan isdhaaf ah laga jaro ama la masaafurinayo iyadoo loo eegayo hadba xaddiga dambiga uu geystay.
Sheekhu wuxuu sheegay in Gobolka Baay aysan ka jirin burcad-badeed balse ay ka jiraan burcad-dhuleed, nooc
kasta oo ay tahayna ay isku dambi yihiin iskuna ciqaab yihiin. Wuxuu ku boorriyay bulshada inay u kacdo sidii looga
waanin lahaa dhallinyarada burcadnimada iyo Isbaarada oo ah kuwo aan Adduun iyo Aakhiroba lagu liibaanayn,
kulankan wacyigelinta waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ay ka md ahayd Luul Isxaaq oo ahayd
Wakiilka Dalladda SOSCENSA ee Gobolka Baay
Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku
saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta
Hotelka
Amiira
ee
Magaalada
Muqdisho
waxaa ka dhacay aqoon
isweydaarsi
loogu
magacdarey Aaeegsiga
afka Soomaaliga
iyo
kaalinta
warbaahinta
Maxamed Daahir Afrax
waxaana
soo
qaban
qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga
oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana
ka soo qeyb galey ku dhowaad boqol xubnood oo ka
kala socday qeybaha warbaahinta ee ka howlgala
Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Kulankaan aqoon isweydaarsiga oo ay wada yeesheen
warbaahinta iyo Madaxda Akadeemiyada Gobolka Afka
Soomaaliga ayaa looga hadlay sidii ay labada dhinac
isaga kaashan lahaayeen soo nooleynta Afka
Soomaaliga iyo sidii arrimahaasi ay door muuqda uga
qaadan lahaayeen Warbaahinta
Guddoomiyaha
Akadeemiyada
Gobolka
Afka
Soomaaliga Maxamed Daahir Afrax oo kulankaan ka
hadlay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay
soo martay Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga
iyo Baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed
luqadooda kor ugu qaadi lahaayeen islamarkaana looga
baahan yahay in Warbaahintu qeyb ka qaadan karto
Fahamsiinta Luqadda Afka Soomaaliga Bulshadooda
"Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo kaalinta Saxaafadda ay
ka qaadan karto inay bulshada gaarsiiso luqadooda
saxda ah ayay tahay ujeedada kulankaan" ayuu yiri
Guddoomiyaha
Akadeemiyada Gobolka
Afka
Soomaaliga waxaa uu sii raaciyey Maxamed Daahir
Afrax “waxaa loo baahan yahay sidii Akadeemiyada iyo
qeybaha warbaahinta ay u ururin lahaayeen isticmaalka
ereyada Afka Soomaaliga oo uu qaarkood maanta ay sii
lumayaan. "Dadka Soomaalida waxa kaliya ee maanta
ka dhaxeeya ama ay ku Mideysan yihiin waa luqadda"
ayuu yiri guddoomiye Maxamed Daahir Afrax oo
sheegay in Luqadda Afka Soomaaliga horumarintiisa uu
dib u dhaca u keeney dagaaladii Dalka ka dhacay kadib
markii ay burbureen goobihii Keydka u ahaa
taariikhdooda iyo dhaqankooda .
C/Naasir Yuusuf Macallim Guddoomiyaha Naadiga
Somali Pen oo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban
ayaa sheegay in Naadiga uu soo maray heerar kala
duwan, isagoo sheegay in howlihii ugu ballaarnaa ee uu
Naadigiisu qabtay ay ka mid tahay qabashada Sanadguurada
40-aad ee Afka Soomaaliga Qoristiisa oo ay ka soo qayb
galeen Madaxweynayaasha Gobolka
Dhinaca kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ustaad Cabdi
Xaaji Goobdoon oo sharaxaad dheer ka bixiyay
marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray hirgelinta Afka
Soomaaliga gaar ahaan Qorista Afka Soomaaliga , isagoo
sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay Macallimiin
u noqdaan Bulshadooda si luqadda Afka Soomaaliga u
Hormarto
Jimce
31-ka Jan
2014
Codka SOSCENSA
Bogga 10-aad
ARRIMA HAWEENKA
Doorka Siyaasadda ee Haweenka, Shalay iyo Maanta.
Haweenka Soomaalidu halgankii
Gobanimadoonka qayb weyn oo
taariikhda Qarank gashay ayey
ka soo qaateen. Gabdho badan
ayaa
dahabkoodii
inta
ay
korkooda ka soo fureen u iibiyey
gobanimada darteed. qaar baa
aragtidooda siyaadeed darteed,
loo xiray oo Xabsiyada ugu
Umulay. Qaar baa naftoodii ku
waayey iyaga oo taagan goob
halgan qaraari ka socday, sida,
Xawo Cisman XAAWO TAAKO,
oo 11-Kii Janaayo 1949-kii lagu
dilay halka ay ka taagneyn hada
Taalada lagu xusuusto ee
Muqdisho, Taalada Xawo Taako
waxay astaan u tahay halganka
siyaasiga ah ee Haweenka
Soomaaliyeed, ee shalay iyo
maantaba.
Qaababka Halganka iyo xilliyada
ayaa kala duwan, mar kastase,
halgankii waa halkiisii. Shalay
hadday ku jireen
dagaalka
hubaysan, oo ay kala soo
horjeedeen cawad dibadda uga
yimid,maanta waxay ku jiraan
halgan siyaasadeed oo gudaha
ka dhashay. Gabdho badan oo
Somaliyeed, ayaa dalka gudihiisa
iyo dibadiisaba ka wada baraarug
siyaasadeed,
oo
ay
ku
doonayaan, in ay kaalin muuqata
ku yeeshaan talada dadka iyo
dalka.
Qormadaan waxaan ku soo
qaadanaynaa qaar ka mid ah
xildhibaanada kala ah:
Seynab Maxamed Caamir iyo
Waxaan rabnaa ayey yiraadeen
in Dastuurka qabyada ah in lagu
soo daro
qoondada %30 oo
haweenka u gaar ah.
Barlmaanka Federaalka ah ku ley
39 xubnood oo u dhiganta %14.
Haween ahaan waxaan dood
badan
ka
qabnaa
tirada
gabdhaha
ku
jira
Golaha
wakiilada Puntland, oo markii
hore lagu bilaabay 5 xubnood, in
ay haataan hoos ugu soo
dhacday 2 keliya !. Sidaa waxaa
tiri Xalima Maxamed Jacfar
Guddoomiyaha
Dalladda
Haweenka Gobolka Nugaal, oo
waraysi siisay
barnaamijka
Haweenka iyo Nolosha ee Radio Mustaqbil ee Mogadisu. Waxaa jiray,
gabdho badan oo xildhibaanimo soo doontay. Dhibaatada oo dhammi
waxay nooga imaanaysaa, waa Nabadoonnada Isimada. Odeyaashiibeelaha ay ka dhasheen iyo kuwa u dhaxaan, ayaa gabdhaha isku-tuurtuura. Markaas ayey meel cidla' ah ku soo dhacaan.
Rajada keiya oo aan leenahay, waa marka xisbiyo siyaasad dalku yeesho,
oo la gaaro, hal qof iyo hal cod. Waxaan hubnaa, maadaama aan tiro
ahaan ugu badanahay dadka Somaliyeed, markii hal qof, hal cod ay
noqoto,in
aan codadka ugu badan heli doono. Halkaasna, waxaa ku
dhammaanaya, nadaam, odey-beeleedyadu qofkii ay doonaan ay soo
qoran jireen. Xisbiiyo sameynta waxaa ka horeeya, in marka hore qofku
fahmo xisbi waxa uu yahay. Qofku xuquuqdiisa dimoqaradiga garto, tiro
koob dadweyne oo saxa la sameeyo, qof waliba oo qaan gaar ahi, leeyahay
warqad aqoonsig, Maxkamada dastuuri ahna ay jirto . Maalintaas ayaa
WAA CUSUBI noo beryey!
Xildhibaanada Seynab Maxamed Caamir, oo ka mid ahayd haweenkii
siyaasiinta ahaa barnaamijkaas lagu waraystay, ayaa iyada oo ka
hadlaysay arrimahaas ayaa iyana codkeeda ku biirsay, oo tiri, Annagu
haween haddaan nahay raggu waxba nooma oggola. Marka, ragga waxaan
u sheegayaa, war boqolkiiba waxaan nahay %70 ne, haweenku xaqii ay
lahaayeen siiya. Haddaad, diiddaan, xisbiyada siyaasadda marka la furo,
ayaan si cad ula gorgortami doonaa. Waxaan leenahay haddii aad
Gudddoomiyaha qaadataan, waa in aan qaadanayaa Guddoomiye ku
xigeenka xisbiga, ragga maanta iswaalaya. Waa dhammaatay, sheekadii
ahayd, ina-adeerkay weeye, iyo odeygagii weeye iyo waa walaalkay.
Waxaan dadk Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa, kan ku qaba, iyo kan
walaalkaa ahi. midna waxba kuuma oggola, ee haweenow xuquuqdeenna
aan doonanno.
11ka Janaayo Dhacdo lama ilaawaan ah.
Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa
go'aansaday, in ay wefdi xaqiiqo-raadis ah u soo
diraan, ,Soomaaliya, qaybteedii Talyaanigu
gumaysan
jiray,
sannadkii
1947dii
dhammaadkiisii, si ay xog-ogaal ugu noqdaan
rabitaanka
siyaasadeed
ee
dadka
Soomaaliyeed. Waxyna
ka koobnaayeen
afartaan dawladood, oo kala
ahaa:
Ingiriiska,Fransiiska, Ruushka iyo Maraykanka,
oo loo yiqiin "Four Powers Commission."
Weftigu waxay Xamar yimaadeen horaantii
bishii Janaayo 1948dii.
Waxayna dalbadeen in urur walba oo siyaasadeed, oo markaas dalka ka
jira, , uu abaabulo dibad-bax uu ku muujinayo tiradooda iyo rabitaankooda
siyaasadeed. Dibad-bixii Xisbiga SYL ayaa lagu dilay Xaawo CismanXaawo
Taako, 11-kii Janaayo 1949kii.Maalintaasi waa maalin baal dahab ah kaga
jirta, halgankii dheeraa ee ummadda
Soomaaliyeed u gashay
xornimadeeda. Waxayna ka mid tahay maalmaha la baxay magaca,
"Soomaaliya Ha Noolaato", halgankaas dartiis.
Dilkeedii kadib, Xawo Cisman, Xaawo Taako, waxay noqotay, astaan lagu
xusuusto kaalintii gabdhaha Soomaaliyeed ka soo qaateen , halgankii
kharaaraa ee Gobanimadoonka laga soo maray. 1972dii ayaa Dawladdii
Soomaaliyeed ee wakhtigaas jirtay, waxay isla goobtii lagu dilay Xaawo
Taako, ka dhistay Taallo lagu xusuusto.
Weli waxaa nool oo ku dhex jira gabdhaha Soomaaliyeed, boqolaal
Xaawo Taako, oo weli halganka, siyaabo kala duwan halkiisii uga sii wada.
Talaado
31-ka December r
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 11aad
Dhaqanka iyo Suugaanta
Aw Jaamac Cumar Ciise: Qoraa Ku Weyn
Quluubta Qalinleyda Soomaaliyeed
Allaha u naxariistee Aw
Jaamac Cumar Ciise oo
kulansaday tilmaamo badan
oo ay yar tahay inta leh
waxaa
uu
ummadda
Soomaaliyeed kaga tegay
kaydad dhaxal gal ah,
kuwaas oo isugu jira Taariikh
, Suugaan iyo dhaqanka
Soomaaliyeed. Aw Jaamac
Aw Jaamac Cumar Ciise
Cumar Ciise Allaha
u
naxriistee in kasta oo aan la kulmin shaqsi ahaan
haddana wuxuu ahaa Macallinkayga, waayo waxaan
aqriyey buugag badan oo uu qoray aqoonna ka
kororsaday, waana xaq inaan u murugoodo geerida Aw
Jaamac Cumar Ciise xusana abaalka uu ku leeyahay
aniga iyo qof kasta oo aqriyey qoraalladiisa, waxa uuna
ahaa Allaha u naxariistee udub dhexaadka raad raac ee
buugaag aan hore u qoray.
In kasta oo Soomaalida lagu sheego dad wax weriya
balse aan inta badan wax qorin ayeysan oraahdaasu Aw
Jaamac tilmaamayn maadaama uu ku soo kordhiyey
buugaag fara badan Maktabadda Soomaaliyeed iyo tan
Carbeedba.
Qoraallada Allaha u naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise
oo ah kuwo saamayn leh si wanaagsanna loo tafatiray
waxaa dhab ah in qofka aqrinayo uusan marna ka
daalayn, taasi waxaa sabab u ah iyada oo qoraalku ka
soo maaxday qalbi qof Soomaalinnimadu ku weyn tahay
aqoon durugsanna u leh diinta iyo dhaqanka suubban ee
Soomaaliyeed, waana kuwo dhammaantood raad raac u
ah
Taariikhda,
Suugaanta
iyo
dhaqanka
Soomaaliyeedba. Tilmaamaha uu lahaa Allaha u
naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise kagana soocnaa
qorayaasha kale waxaa ka mid ah:
1- Xeel dheeri Shareecada Islaamka: Sheekh Jaamac
Cumar Ciise aqoonta gunta dheer ee uu u leeyahay
diinta islaamka waxay dhaxalsiisay inuu ugu adeego
bulshadiisa isaga oo gudanaya waajibaadka saaran ee
wanaag faridda iyo xumaan reebidda.
2- Cilmi Baare Kaydiyey qoraallo badan: Allaha u
Naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise isaga ayaaba la
oran karaa inuu ahaa Maktabad socota maadaama uu
kaydiyey qoraallo badan oo lumi lahaa haddii uusan
isagu isu xil saarin hawshaas baaxadda leh. Waxa uu
xusay Aw Jaamac allaha u naxariistee in uu billaabay
ururinta qoraalladda sanadkii 1955 oo ah xilli aad u fog,
waxaa uu ku safray dhul dheer oo bah gooyo ah si uu u
helo xog ku aaddan qoraallada uu danaynayey, isagoo
ka qorayey afka dadka uu xogta ku tuhmayey, sidoo kale
waxa uu qoraalkiisa ku kaydsanayey oo uu
adeegsanayey farta carabiga maadaama far soomaaligu
qornayn xilligaas.
3- Aqoontiisa Luuqadeed: Aqoonta ballaaran ee uu u
lahaa Aw Jaamac Allaha u naxariistee luuqadaha
Soomaaliga iyo Carabiga waxa ay u ahayd dhiirrigelin in
uu ku soo bandhigo kaydadkiisa aqooneed, waxaana ka
faa’iidaystay buugta tirada badan ee uu Aw Jaamac ku
qoray labadaas luuqadood dadka aqriya luuqadaha
Soomaaliga iyo Carabiga.
4- Hibada Eebbe u siiyey aqoonta Suugaanta. Dhaqanka
iyo hiddaha Soomaaliyeed: Aqoonta uu Aw Jaamac
Cumar Ciise Allaha u naxariistee u laha hiddaha iyo
dhaqanka soomaaliyeed waxa ay ka muuqanaysaa
qoraallada baaxadda leh ee uu ku soo bandhigay
labadiisa buug ee Diiwaanka Sayid Max’ed Cabdulle ah
ee Hilimada Maansadii hore ee uu daabacay 2005tii.
Qofka aqriya labadaas buug waxaa ku soo duxaya
hodontinimada Suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka
soomaaliyeed.
5- Aqoonta uu u lahaa Taariikhda dalka iyo dadka
Soomaaliyeed: Waxaa si fudud loo oran karaa in Sh.
Jaamaca Cumar Ciise Allaha u naxariistee uu ahaa
taariikhyahan sugay taariikhda Soomaaliya Dhul iyo
Dadba laga soo billaabo xilliyadii dhexe, waxaa u dheer
Aw Jaamac allaha u naxariistee aqoontiisa taariikheed in
uu si ammaano leh u gutay soo bandhigidda buugtiisa
taariikheed, isaga oo si dhab ah u sugay dhacdooyinka
ku xusan qoraalladiisa, maadaama taariikhaha iyo
dhacdooyinku yihiin kuwo la isku khilaafi karo.
6- Hufnaan iyo Soomaalinimada oo ku weynayd: Aw
Jaamac Cumar Ciise waxa uu ahaa allaha u naxariistee
mid si hufan u gutay qoraalladii faraha badnaa ee uu
kaga tegay bulshada soomaaliyeed, waxa ay maanta
qoraalladiisu ka mid yihiin kuwa ugu kalsoonida badan
oo aysan jirin cid xasaasiyo ka qabto, iyada oo aan
ognahay in ay liidato kalsoonida bulshadu heerka ay
gaarsiisan tahay dagaalladaii sokeeye ka dib.
7Shakhsiyada
dhanka
san
u
Debecsan:
Shakhsiyadda Sh. Jaamaca Cumar Ciise oo ahayd mid
debecsan oo waxa ay ka marnayd han dhaqaale, taas oo
aan ula jeedo in buugtiisa uu qoray ula jeeday dar alle iyo
danaha dadkiisa iyo dalkiisa, iyada oo aan ognahay in
qorayaashu ku xisaabtamaan in waxa ay qoraan ka
sameeyaan dhaqaale. Waxaa daliil cad innoogu filan in Aw
Jaamac sida uu xusay qoraalladiisii burburka ka dib u qaxiyey
Nairobi isaga oo aan hayn shilin uu ku daabaco ayna
dhacdo in qoraalladii uu muddadada fog kaydinayey
saddex meelood meel ku luntay dagaalladii sokeeye
halka labada kale ay u badbaaday, intaas ka dibna waxaa
gacan weyn ka siiyey daabacaadda buugtaas mahadi ha ka
gaartee madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle.,Waxaan ka rajaynayaa in inta gacanta
ku haysa qoraalladii daabacnaa iyo kuwa aan daabacnaynba
ee Aw Jaamac Cumar Ciise la baahiyo loogana faa’iideeyo
bulshada Soomaaliyeed iyada oo ay qoraaga u noqonayso
sadaqo Jaariyah eebbe idinkiis.
Qore: C/qaadir Max’ed Xasan
Email: [email protected]
Talaado
31-ka December
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 12-aad
Faaqidaada Ciyaaraha
Wiilal iyo Gabdho Orod ku Tartamay oo Koobab lagu
Gudoonsiiyay Magaalada Muqdisho
Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey garoonka
banaadir koobkii 18-aad ee Jen daa’uud ee ciyaaraha
fudud kaasi oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad 150
ciyaaryahano kooxo ka socda oo isugu jira wiilal iyo
gabdho,iyadoo xaflad gabo gabo ah lagu qabtay
gudaha garoonka banaadir oo tartanku ka socdey.
Tartanka 18-aad ee Jen daa’uud ciyaaraha fudud oo
kala guuleysteen: Dhinaca wiilasha HEEGAN ayaa
koobaad gashay iyagoo Urursadey 59 dhibic,kaalinta
2-aad waxaa galay HORSEED 42 dhibic,halka 3-aad
ay galeen kooxda JUBBA oo urursatay 23
dhibic,dhinaca gabdhaha IIMAAN Hospital ayaa
koobaad galay iyagoo keensadey 26 dhibic,halka
gabdhaha Heegan ay galeen labaad 23 dhibic.
Garsoore Hore Shuuriye oo Dhanka
Macalinimada u Wareegsanaya
Khadiijo Aaden Daahir oo Koob Bixineysa
ay soo agaasimeen XSCF ayaa waxaa lagu tartamay
qeybaha
kala
duwan
ee
Orordka
100m,200m,400m,800m,1500m,3000m,iyo boodada
hoose iyadoo kooxo gaaraya 8 kooxood ay u ordayeen
ciyaaryahanada.
Xafladii Gabagabada Tartankaasi ayaa waxaa ka soo
qeybgalay
madaxda
Gudiga
olombikada
Soomaaliyeed ee GOS,madax G/banaadir u qaabilsan
Sportiga,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda
cagta, k.koleyga,K/laliska,K/miiska,ciyaaraha fudud iyo
tababarayaasha ciyaaraha fudud iyadoo ka hore la
daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku
baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m.800m.iyo
3000m oo ah orod dheer oo 3 wareeg iyo bar lagu
ordayey garoonka banaadir.
Waxaa halkaasi Khudbado ku aadan tartanka
horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo Aaden
Daahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud,
iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro
horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa
ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda.
Abuukar Isloow Maxamed oo katirsan Gudiga Fulinta
GOS ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay
muhiim tahay in la qabto tartamada noocaan oo kale
ah si dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun
xun sida muqaadaraadka.
Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu
sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada
kale ee jira, isagoo kula dardaarmay inay soo celiyaan
magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd.
Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo
koobab isugu jira waxayna kooxaha kaalimaha ugu
Garsoore hore oo heer
Caalami Cabdiraxmaan Cabdi
Cumar
(Shuuriye)
ayaa
maanta oo khamiis ah shaaca
ka qaaday in uu qorsheynayo
in uu isu badalo macalin
dhanka garsoorka ah si uu
gacan uga geysto wax barida
dhalinyarada
Soomaaliyeed
Garsoore Shuuriye
ee
jecel
inay
shaqda
garsoorka kusoo biiraan, maadama uu haatan ka
weynaaday shaqadii garsoorenimada.
“Garsoorka kubada cagtu waa hiwaayadeyda 1-aad
sidaa daraadeed maadaama aan iminka howl-gab ka
noqday garsoorenimada, gudaha iyo tan caalamiga ah
intaba waxaan jeclahay in aan wali kusii dhex jiro
shaqada garsoorka, laakin markan kumasii lug lahaan
doono muumulida cayaarta gudaha garoonka balse
taa badalkeeda, waxaan rajeynayaa in aan u
shaqeeyo dalkeyga iyo dadkeyga anigoo ah macalin
dhanka garsoorka ah”ayuu yiri garsoore hore
Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) oo maanta
qoraal soo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta.
“Waxaan idin sheegayaa kaddib muddo sanado ah
(1996- 2013) oo aan kasoo shaqeynayay howsha
garsoorka heer qaran ilaa iyo heer caalami,
mudadaasoo aan qibrad weyn kusoo qaatay
waayeheygii quruxda badnaa ee aan soo maray,
garsoorku waxaa uu ahaa shaqo aan aad u jeclaa ilaa
iyo caruurnimadeydii, sidaa daraadeed wali aad ayaan
u jeclahay in aan kusii dhex jiro, laakin markan aan isu
badalo
dhanka
macalinimada
garsoorka”ayuu
qoraalkiisa ku yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi
Cumar (Shuuriye).
Waxaa uu sidoo kale garsoorahan hore ku sheegay
qoraalkiisa in wixii ka dambeeya maanta oo ay
taariikhdu ku beegan tahay 16 Janaayo 2014 uu go’aan ku
gaaray shaqadii garsoorka ee gudaha dalka in uu iyadana
joojiyo tasoo macneheedu yahay in uusan cayaar dambe
dalka gudihiisa garsoore ka noqon doonin maadaama uu
waayihiisii soo qaatay hadana ka gaboobay uuna
jecelkyahay dhanka macalinimada in uu u wareego si uu
gacan u siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel inay
Garsoorka kusoo biiraan.
Jimce 31-ka Jan
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 13-aad
Bogga Qubanaha
Baarlamaanka Oo ansixiyay Xukuumadda Cusub
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa 17- Bishii Janaayo 2014 waqti
Saqdii Dhexe ah waxa uu soo Magacaabey Golahiis Wasiirada oo ka Kooban 55 xubnood oo u kala baxaya 25 Wasiir 25
Wasiir Ku xigeen iyo 5 Wasiiru Dowlayaal waxayna kala yihiin Wasiirada sidan:
1.
Wasiirka
Arrimaha Gudaha
iyo
Federaalka
Mudane
C/laahi
Good ax Bare
2.-Wasiirka Amniga
Qaranka Mudane
C/kariin
Xuseen
Guuleed
3.
Wasiirka
Warfaafinta
Mudane
Mustaf
Sheekh
Cali
Dhuxuloow
4. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng
Nadiifo Maxamed Cusmaan
5. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Mudane Maxamed Coloow Baroow
6- Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi
Maxamed
7-.Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed
Cumar
8-. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi
Xalane
9-. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed
Guraase (
10-. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulsta Hawada Mudane
Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
11-. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa
Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
12-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed
Sheekh Xasan Xaamud
13- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane
Yuusuf Cali Aamiin
14-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane
Khaalid Cumar Cali
15-Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
16-.Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka
Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed
17-.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale
18-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac
Axmed Maxamed Oday
19-.Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed
Ibraaahin Xaaji Aadan
20-Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale
Aadan Maxamed
21-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane
Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
22.-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane
Luqmaan Sheekh Ismaaciil
23-Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda
Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed
Maxamed Maxamuud
25. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed
Cumar
Wasiiru Dowlayaal
1.Maxamed Macalin Yaxye wasiiru dowlaha arimaha gudaha
iyo Fedaraalka 2.C/laahi Maxamed Nuur Wasiiru Dowlaha
Maaliyadda
3.Burci Maxamed Xamza wasiiru Dowlaha arimaha dibadda
iyo Iskaashiga Caalamiga
4.Maxamed Cali Xagaa wasiiru dowlaha Gaashaandhiga
5.Daa’uud C/karim Cumar Wasiiru dowlaha amniga qaranka
Liiska Wasiira ku xigeenada
1.C/raxman Maxamed Saalax (Bankax) Wasiir ku xigeenka
Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka.
2.Fahma Axmed Nuur wasiir ku Xigeenka Maaliyadda
3.Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga
4.Mahad Maxamed Salaad wasiir ku xigeenka arimaha
dibadda iyo iskaashiga Caalamiga
5.Ibraahim Yarow Isaaq Wasiir ku xigeenka Amniga
Qaranka
6. Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada (
7.Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo
Gaadiidka Badda
8.C/laahi Sheikh Cali Qaloocow Wasiir ku Xigeenka
Qorsheynta
9.C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo
Dastuurka
10.Yuusuf Xayle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo
Owqaafta
11.C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka
Warfaafinta
12.Xirsi Aaden Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka
iyo Duulinta Hawada
13.Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada
iyo Arimaha Bulshada
14.Axmed Ali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka
Boostada iyo Isgaarsiinta
15.Cusmaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka
Beeraha
16.Maxamud Axmed Nuur Tarsan wasiir ku Xigeenka
Sportiga iyo Dhalinyarada
17.Cabdi Kaafi Macalin Xasan wasiir ku xigeenka
Tamarta iyo Biyaha
18.C/raxman Cabdi Cusmaan wasiir ku xigeenka
Canacsiga iyo Warshadaha
19.Maxamed Ismaaciil Shuuriye wasiir ku xigeenka
Howlaha guud iyo Dib u Dhiska
20.Muna Ibraahim Abiikar wasiir ku xigeenka
Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha
21.C/casiis Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka
Kaluumaysiga Kheyraad ka Badda
22.Maxamed Cali Geedi wasiir ku xigeenka Macdanta
23.Axmed Aaden Axmed wasiir ku xigeenka
Caafimaadka
24.Maxamed Axmed Kulan wasiir ku xigeenka hidaha iyo
Tacliinta sare
25- Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku Xigeenka
Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa
Jimce 31-ka Jan
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 14-aad
Bogga Waxbarashadda
U Hiili Afka Hooyo
Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) xubin ka mida
guddigii qorista farta Soomaaliga
Go'aanka qorida afku
waxay ahayd guul
weyn oo la wada
leeyahy
una
soo
hoyatay
dhammaan
shacbiga
Soomaaliyeed gudo iyo
dibadba, waayo waa
markii ugu horreysay
ee la helo lana qoro
afkii hadalka oo qura
uun
ku
koobnaa,
kadibna noqday afkii
aqoonta
iyo
ilbaxnimada ummadda lagu kaydinayey.
Xuseen Shiikh Axmed Kadare waxa uu ka mid ahaa guddigii qorista af
soomaaliga.
21kii Bishii Oktobar ee sannadkii 1972dii , ayaa Labadii Gole oo kala ahaa
:Golaha Sare ee Kacaanka iyo Golaha Xoghayeyaasha , oo wadajiraa,
waxay go'aan ku gaareen in Af Soomaaliga la qoro; uuna noqdo Afka
Rasmiga ah ee dalka lagu maamulayo. Xuruufta Af Soomaaliga lagu qori
lahaa, ayaa muddo dheer muran ka taagnaa. Si markaan loo soo afjaro,
labada Gole waxay doorteen in xuruufta latiinka ah lagu qoro Afka Hooyo.
Sababihii ay xuruuftaas u doorteen waxay ku sheegeen, in ay ka mid
ahaayen : 1. In dugsiyada dalka, intooda badan, wax lagu barto xuruuftaas.
2. In dadku durbadiiba wax ku baran karaan xuruuftaas, horay dad badani u
yiqiin. 3. Xuruuf cusubi waxay u baahanysaa, wakhti dheer iyo kharaj fara
badan, oo miisaaniyadda dalka culays badan saari lahayd. 4. Muddada
lagu diyaarinayo qalabka xuruuf cusub oo noo gaar ah lagu sameeyo oo
dheeraanaya. 5. Baahida dadkeenna iyo dalkeennu u qabay waxbarashada
oo aan sugi karin wakhti sidaas u dheer. 6. In ay adkaato qaabka aan
duniyada, inteeda kale ula xiriiri lahayn, haddii aan xuruuf noo gaar ah
qaadan lahayn..Hababkii loo dhaqangeliyey qorista Afka, go'aankaas kadib
waxaa ka mid ahaa : 1. Wejiga Kowaad ee farbarashada, waxaa laga
bilaabay shaqaalaha Dawladda oo dhan.Waxaana lagu amray in ay mudo 3
bilood gudahood ah ku bartaan qorista iyo akhrinta Far Soomaaliga.
Mudadaas markii dambe waa la dheereeyay oo 6 bilood ayaa laga dhigay.
(Ogoow, arintu waa qoris oo kaliya; dadku way yaqaaneen ku hadalka
afka). Wuxuu wejigaan ku soo af jarmay lix bilood gudahood. Ka dib markii
Qorista Af Soomaaliga lagu dhawaaqay 1972dii oo ku beegnayd Sanad
Guuradii 3aad ee Dowladdii Kacaanka. 2. Wejiga labaad waxaa laga
hirgaliyay dhamaan magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka, intii u
dhexeysay, 1973-1974. 3. Wejiga Sadexaad ee ololaha waxbarashada,
waxaase markii dambe loo bixiyay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga.
Waxaana ololaha wax barashada la gaarsiiyay ilaa deegaan walba iyo
tuulo kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah. Ololaha Waxbarashadu
wuxuu si rasmi ah u bilowday bishii Maarso 7dii, 1974 . Waxaana lagu
daahfuray dibadbax weyn oo dadweynaha ku nool Gobolka Banaadir isugu
soo baxeen Garoonka Cayaaraha ee Istaadiyoo Banaadir,Waxaana ka
faaiideystay dad reer Miyi ah oo tiradoodu gaarayso, ugu yaraan 125,000
qof, oo aan horay u aqoon wax Qorista iyo Akhriska.
Go'aanka qorida afku waxay ahayd guul weyn oo la wada leeyahy una soo
hoyatay dhammaan shacbiga Soomaaliyeed guddo iyo dibadba, waayo
waa markii ugu horreysay ee la helo lana qoro afkii hadalka oo qura uun ku
koobnaa,
kadibna noqday afkii aqoonta iyo
ilbaxnimada,
ummadda
lagu
kaydinayey. Dugsiyadii afafka
qalaad duruusta lagu baran jiray
ayaa isla markiiba waxay u xuub
siibteen kuwo u baratama taabbo
gelinta
iyo
hirgelinta
farta
soomaaliga iyo barashadeedaba.
Dhammaan
culuuntii
kala
duwanayd ee ku qornayd afafka
qalaad, ayaa la turjumay oo laga
dhigay af-Soomaali. Dugsiyadii
dalka ka jiray laga bilaabo dugsi
hoose, dugsi dhexe, ayaa lagu
bilaabay in ay ardaydu afkooda
hooyo, wax ku bartaan.
Soomaaliyi meel ay joogtaba,
waxay isku raacsan tahay,
go'aankii qoridda Af Soomaaligu,
in uu ahaa go'aan sax ah oo la
gaaray wakhtigii ku habboonaa.
Mar haduu sidaas nolosheenna
muhiim ugu yahay afku, waxaa
nala
habboon,
in
aan
dhammaanteen,
u
wada
guntanno u hiilinta, kobcinta iyo
fidinta Afka Hooyo,oo ah dunta
isku keen haysa.
21 Janaayo 1973 waa maalin
Xasuus ma Hadho ah ku leh
Bulshada Soomaaliyeed waayo
waa Maalinkii ugu horeysey ee
uu soo baxo Wargeys Af
Soomaali ku qoran oo la oran
jirey Xiddigta Oktoobar taasi
waxay keentey in Dadka badan
Soomaaliyeed ay xiiseeyaan af
soomaaliga.
21 Janaayo 1973 sidoo kale
waxay Astaan u tahay Maalinta
Warfaafinta Soomaaliyeed, hase
yeeshee maalinkaa waxaa la soo
bandhigi
jirin
Waxqabadkii
Wasaarada
warfaafinta
iyo
Waaxda
Qoraalka.
hase
yeeshee maalinkaa Qiimaha ku
leh Bahda warfaainta waxaad
moodaa inay hada la dhimatay
dhaawaca af soomaaliga gaaray
Jimce 31-ka Jan
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 15-aad
A R R I M A H A C A A F I M A A DKA
Cudurka Sonkorowga (Diabetes)
Cudurka Sonkorowga ayay dad
badan oo dunida guudkeeda ku nooli
ka
sheeganayaan,
waayadan
sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig
ahba (80-110mg/dl).
Maalin walba waxaan isticmaalnaa
xadi sonkor ah oo badan, hadaba
suaasha meesha taal ayaa ah xagee
ayay aaday sonkortii badneyd ee aan
isticmaanay? maxaase maamula in
aysan sonkorta qofka aan cudurka
sonkorowga qabani xadigeedii caadiga
ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada
ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta
oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu
talagalay qaab loo maamulo, hadaba
isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga
dambena
tirada
Soomaalida
Sonkorta qabta ayaa sii kordheysa
Sanadba Sanadka ka dambeeya.
Fikrada ay dad badani ka heystaan
waxa uu yahay cudurka Sonkorowga
ayaad moodaa in ay wax badani ka
qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan
ayaan doonayaa in aan wax kaga
iraahdo waxa uu yahay cudurka
Sonkorowgu, waxa keena, inta
qeybood
oo
uu
qeybsamo,Calaamdaha uu caanka
ku yahay iyo waxyaabo kale oo
badan, waxaana isku dayi doonaa in
aan u soo bandhigo si fudud oo qof
walbi u fahmi karo.
Cudurka Sonkorowga ayaa ka
dhasha khalal ku yimaada qaabka
uu jirku u burburiyo ama u sameysto
nafaqooyinka uu u baahan yahay (
Metabolic Disorder) taas oo ugu
dambeyntii sababta in xadiga
sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u
kaco Hhyperglycemia) ama hoos u
dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas
ama hoos u dhacaas oo ku xiran
hadba nooca khalalka ah ee jirka ku
dhaca,waxaana uga hadli doonaa si
faahfaahsan. Sonkorta ayaa ah isha
ugu wanaagsan ee uu jirka
aadanuhu tamarta ka sameysto,
waxaa jira noocyo fara badan oo
sonkor ah balse mida ugu badan oo
uu jirku isticmaalaa waa mida loo
yaqaan
kuluukoos
(glucose),
xubnaha isticmaala sonkorta ugu
badan ayaa waxa ka mid ah 1)
Maskaxda
2)
Murugyada
3)
Habdhiska lafaha (skeleton system)
iyo xubna kale oo muhiin ah, xadiga
caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga
qofka caafimaadka qaba la socda
ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo
sonkorta ee jirka waxaa maamula
laba hormoon oo laga soo daayo
unugyada ganaca (pancreas cells)
kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga
soo daayo unugyada ganaca ee loo
yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon
(glucagon) oo isna laga soo daayo
Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee
Ganaca. Shaqooyinka ay qabtaan
labadan hormoon ayaa ah kuwa liddi
isku ah waayo hormoonka insulin waxa
uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee
dhiiga la socota marka ay dhaafto
xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is
weydiinta mudan ayaa ah sidee buu
hormoonkani hoos u dhigaa xadiga
sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii
ay sonkorta dhiigu (blood glucose level)
dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa
waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee
loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan
hormoonka insulin kaas oo durbadiiba
qabta ama fududeya shaqooyinkan
soo socda. 1)- In ay unugyo badan
(cells), nudayaal (tissues), xubna
badan (organs) oo jirka ka mid ahi
sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In
sonkor badan (glucose) si deg-deg
ah loogu bedelo tamar geydsan
(glycogen), taas oo uu jirku dib u
isticmaalo xiliyada gaajada amaba
xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u
kacdo. 3- In hoos loo dhigo
burburinta
Kaarboonhaydarayada
(cuntooyinka sonkorta leh sida
Macmacaanada,Bariiska, Baastada
iyo IWM) si aan sonkor badan oo
kale jirka loogu soo darin. Intaas oo
shaqo ah marka uu hormoonka
insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda
in sonkortii dhiiga la socotay ay ku
soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa,
unugyada
ganacuna
hakiyaan
soodeyntii hormoonka Insuliinka.
Hadaba khalal ku yimaada soo
deynta Hormoonka Insuliinka amaba
carqaladeyn ku timaada hanaanka
shaqadiisa ayaa waxay sababtaa
Sonkorta dhiiga oo kor u kacda
(Hyperglycemia) ama hoos u dhacda
(Hypoglycemia) taas oo inta badan
aasaas u ah waxa loo yaqaan
Cudurka Sonkorowga (Diabetes
Mellitus).
Mar hadii ay shaqada Insuliinku
sidaa tahay waa maxay shaqada
Hormoonka
Kuluukagon
(Glucugon)?
Xiliga
uu
qofku
gaajeysan yahay amaba uusan
qaadan wax cunto ah oo Sonkor leh
ayaa waxaa hoos u dhaca Sonkorta
Dhiiga, marka si Sonkorta loogu soo
celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa
waxaa la cariyaa Unugyada Ganaca
ee loo yaqaan Alpha Cells kuwaas oo
bilaaba in ay soo daayaan Hormoonka
Kuulukagon, islamarkiiba Hormoonkani
waxa uu qabtaa howlahan. 1)- Sonkortii
keydsaneyd (Glycogen) ee jirka ayuu u
bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos
(glucose) taas oo keenta in sonkortii
dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka
gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa
uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii
(proteins) loo bedelo sonkor (glucose)
taasina waxa ay dhacdaa xiliga
macaluusha ama gaajada siyaadada ah
waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd
ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan,
u bedelida duxda iyo borotiinka loo
bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay
kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee
hoos u dhacday. Mar hadii ay
sonkortii dhiigu (blood Glucose level)
ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga
ahaa unugyada Alpha cells ee
ganacu waxay ay hakiyaan soo
deyntii
hormoonka
kuulukogon
(glucugon).
Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka
loo xakameyosonkorta jirka qofka
caafimaad qaba, aan u soo noqono
maxaa keena in sonkorta qofka
cudurka sonkorta qabaa ay inta
badan
ka
sareyso
xadigeedii
caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu
dhiiga la socdo.
W.Q. Faarax Axmed Muuse,
[email protected]
Master of Clinical Microbiology,
University of Karachi
Jimce 31-ka Jan
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 16-aad
Soo saaridda Wargeyska Codka SOSCENSA waxaa iska Kaashadey Hay’adaha
SOSCENSA , MIDOWGA YURUB,SAFERWORLD iyo UKAID
Bulshada Rayidka Waa Awood Urursan Oo Waxtar Leh
Kulankii Dib Dhiska Magaala Madaxda Muqdisho
Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiirka
Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan )
G/ Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho
Wakiilka Qaramada Midoobey ee
Soomaaliya Nicholas Kay
Bulshada Rayidka oo ka qayb gashey Shirkii
Dib u Dhiska Magaalada muqdisho
Wargeyska Soscensa Ma heshaa? Maxaa ku Xiisa Geliyay? Maxaa lagu Kordhiyaa?
Lasoo Xiriir Xarunta:
+252-615524592 / +252616002296
Printed at: Caalami Printing House Km-4
Wargeyska Soscensa Ma heshaa? Maxaa ku Xiisa Geliyay? Maxaa lagu Kordhiyaa?
Lasoo Xiriir Xarunta: +252-615524592 / +252616002296
Printed at: Caalami Printing House Km-4

Similar documents

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 2aad 30

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 2aad 30 Dhiirro-gelinaynaa una soo dhoweynaynaa Wargeyska CODKA SOSCENSA in uu soo baxo. Waayo, waxaan filaynaa in uu wax badan ka qaban doono hawlaha ay Dalladda SOSCENSA waddo. Bulshada akhrisataa Wargey...

More information

Xaniinyo Taabasho - All idamaale News

Xaniinyo Taabasho - All idamaale News meel walba ku arki dadka oo ku sii qul qulaya dukaamada dharka iyo maqaayadaha raashinka mac-macaanka lagu iibiyo. Hase yeeshee, Xamar waxaa u dheer iyada oo mar kale u diyaar garobeysa cayaarta “X...

More information