Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 2aad 30

Transcription

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 2aad 30
CODKA SOScEnSA
Resource Newsletter
Waa Bille Madaxbanaan
31 / October / 2013 Cadadka 2-aad Sanadka 1-aad, Qiimaha 10,000 Sh.So
Tel: +252699777017 /+252616002296 E-Mail [email protected] Web www.soscensa.org
Somalia South-Central Non State Actors
FAALlADA WARGEYSKA
Heshiis cusub
(New Deal Compact),
Guusha Heshiiska Cusub ee Somalida, (Somali
New Deal Compact), waxay ku xiran tahay, in
Dawladda
iyo
Dadweynuhuba
ka
wada
qaybgalaan meel marintiisa.
Shirkii 16kii September 2013, ku dhex maray
magaalada Brussels, madaxda Somalida iyo
Midowga Yurub, hadal ay ka jeedisay shirka ,
madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub
Catherine Ashton, ayey ku tiri, " Xaaladda
Somalia si weyn ayey isu beddeshay sanadihii la
soo dhaafay. Hadda Somalia waxaa ka socda
jawi waxqabad leh, iyo saansaan dawladnimo oo
rajo leh. Heshiiskaan Cusub, ee (New Deal
Compact),oo hadda na dhexmaray annaga iyo
Somalia, wuxuu u horseedayaa sidii ay Beesha
Caalamka iyo Somalidu, uga wada shaqeyn
lahaayeen saddexda sano oo soo socda oo ah
(2014-2016), sidii dhammaan dadka iyo dalka
Somaliyeed, loo wada gaarsiin lahaa, NABAD,
AMNI iyo HORUMAR ay u wada aayaan."
Heshiiska Cusub ee Somalida ( The Somali
Compact), wuxuu ku bilaabanayaa ereyaadaan
rajada badan xambaarsan, oo ay ka mid yihiin: ”
Dadka Somaliyeed waa cusub ayaa u
bilaabanaya mar dhow. Kaas oo u horseedaya,
madax banaanini buuxda, Midnimo, Nidaamka
federaalka oo dalka oo dhan ku baaha,
Demoqaradiyada, iyo dadka Somalida ah oo
dhexdooda is nabadgeliya, Deriskooda iyo dunida
kalana nabad kula noolaada".
Waa rajo fiican oo yididiilo leh, wax badan baase
ka horeeya sidii halkaas Somaldiu ku gaari lahayd
saddex sano gudahood. Sida ka muuqata hordhaca
Heshiiska Cusub ee Somalia, waxaa marka hore
lagama maarmaan ah, Dawladda iyo Dadweynaba in
ay ka wada qaybgalaan himiladaas gaarideeda, loona
Wararka
SOSCENSA
Daladda Waxbarashada
SAFE oo Qaybisey Shan
iyo labaatan Kun oo
Buugaag Cilimi ah 2aad
Jilayaasha
SOSCENSA
Wareysi aan la
yeelaney Wakiilada
11-ka Gobol ee
Daladda SOSCENSA
..
3aad
Arrimaha Dhalinyarada
Nin Dhalinyaro ah oo Diidey in uu Is
Dhiibo? 6aad
Arrimaha Adeega Bulshada
Dareenka Bulshada
Abkow oo soo jeediyey Talooyin
5aad
Dhaqanka iyo Suugaanta
Xildhibaan Cabdi Xaashi “ Fanaaniinta Waxay ku
Hormari karaan Rabitaan Siyaasadeed oo ka yimaada
Xagga Madaxda Dalka 8-aad
Faaqidaada Ciyaaraha
helo farsamooyinkii looga gudbi lahaa caqabado
Soomaaliya oo Abaal Marinta Koowaad
badan oo ku gudban gaaridda halkaas.
ka Heshey Tartan Tababar .. 9aad
Eeg Bogga 7 aad
:
PRINTED AT: CAALAMI PRINTING HOUSE KM-4 MOGADISHU
Khamiis 31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 2aad
Wararka Soscensa
12 –Ka Oktoobar Maalinta
Calanka.
12-Oktoobar 1954 tii waa Maaln la Xuso oo la
Xasuuusto oo
ku
qoran
Quluubta
Shacabiga
Soomaaliyeed
, waa maaln
Calaanka
Buluuga ah oo
Dhexda ku leh Xiddigga Cad oo Shanta Gees
leh laga taagey Dhulka Soomaaliyeed ,
Aduunkuna Aqoonsadey . Calanka waa
Astaantaada , waa Magacaada, Calanka
Buluuga waxaa Hidisey oo Alifey Muwaadin
Soomaaliyeed oo lagyu Magacaabi jirey
Maxamed Cawaale Libaan Allaha u Naxariistee
kana mid ahaa Halgamayaashii Gobanidoonka
Syl , wuxuu ka soo dhex bay Tiro Dad ah oo
keeney
Calamo Badan ,waxaana markii
Dambe la qaatey Calankii uu Hidisey Maxamed
cawaale Liibaan ka dib markii Midabka Buluuga
uu ,ku Micneeyey Cirka oo ah meel aad u
Qurxoonka , halka Xiddigta uu isna ku
Micneeyey Shanta Soomaaliya.
Daladda Waxbarashada SAFE oo Qaybisey
Shan iyo labaatan Kun oo Buugaag ah
Waxaa
Hotelka
Ambasadoor
ee
Magaaladda
Muqdisho ka
dhacdey
Munaaabada
si heer Sare
ah loo soo
Agaasimey
taasoo
ku
saabsaneyn
Qaybinta
Buug
Cilmi
ah
oo
gaaraya ilaa 25 Kun oo Buugaag ah , waxaana
Manaasabadaan
soo
Agaasimey
Dalladda
Waxbarashada Ahliga ee SAFE oo iyadu ahayd
Daladii Buugaagta soo gaarsiiyey Dalka ka dib
markii Buugaagtaan ugu Deeqdey
Hayad
fadhigeedu yahay Cariga Mareykanka oo lagu
Magacaabo BOOKS FOR AFRICA USA.
Waxaa sidoo kale Munaasbadaas lagu qaybinyey
Buugaagtaas ka haldey Gudoomihaya Salladda
SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ugu
Horeyn u Mahadceliyey Daladda Waxbarashada ee
SAFE oo uu sheegey in ay qabtey Howl Muhiim
Dhinaca
Waxbarashadda
iyo
Ardeyda
Soomaaliyeed oo ah in ay helaan Buugaag Aqoon
kala duwan ka Buuxaan waxaa uu sii raaciyey
“waxaan ku talinyaa in aan Buugaagtaan la qabin
oo la dhigo Library si Aqoonta Buugaataas
Xamaarasan tahay ay Ardeyda Soomaaliyeed uga
Daalacdaan
Gudoomiyha SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed
Shirwac oo ka faaiideysanaya Munaasbadaas ayaa
Bahda Waxbarashada u soo jeediyey in ay u
istaagaan si Xoriyadooda u heli lahaayeen Gabdho
Soomaaliyeed oo Afduub loo haysto Dalka waxaa
uu intaa ku darey ‘Waa wax naga Gubaya oo aan
ka Muruugooneyno haddii aan nahay Bulshadda
Rayidka marka anagoo isku Duuban aan u istaagno
sii Deynta Gabdhahaasi”
Agaasimaha
Agaasinka Tacliinta Sare ee
Wasaaradda Adeega Guud ee Bulshada Ismaaciil
Yuusuf Cismaan oo ka Hadley xafladaas ayaa
sheegey in Daladda SAFE ay ku talaabsan Ariin
Qayb ka qaadaneysa Kobcinta Waxbarashada
Ardeyda Soomaaliyees isagoo sheegey in
Dowladda
Federaalka
ay
Dhiiragelineysao
Barnaamijyada Noocaan oo kale ah ee klu
saansan Sare u qaadida Aqoonta Ardeyda
Soomaaliyeed
isagoo
sheegey
Qaybinta
Buugaagaatn ay ku soo beegmeen
Xilli uu Bilowdey Mashrruca Aada Dugsiyada oo
Dowladda Dooneso in Caruurta Soomaaliyeed
ayu helaan Waxbarashao Lacag la’aan ah
’22 Sanno waxaa Dhageheynna ay Maqlayeen
Raashin la Qabinaya maanta waa ilaah Mahaddii
haddi Buugaag Cilmi ah loo Qaybinayo Ardeyda
Soomaaliyeed
marka Ha’yadii
iyo
Daladii
Suurtagelisey waxaan leeyahay waxaad qabteen
Howl Muhim u ah Kor u qaadida Aqooonta Ardeyda
Soomaaliyeed”ayey tiri Duniyo Maxamed Cali oo
ka socotey Hayadda IIDA waxayna uu soo jeedisey
Daladaha kale in iyana ku Daydaan Daladda SAFE
.Gabagaabadii waxaa Munaasabadaas lagu
Qaybinayey Buugaagtaas ka hadley Gudoomiyaha
Daladda Ahliga ee SAFE Cabdiraxmaan Macalin
Axmed (Cabdiraxmaan Ablaal) waxaa uu ugu
horeyn u Mahadceliyey intii Suuragelisey in
Buugaataas soo gaarto Ardeyda Soomaaliyeed
laga soo Bilaabo Mareykanka ilaa Magaaladda
Muqdisho sidoo kale waxaa uu sheegey in aan
Buugaataan loogu talagelin in ardeyga la siiyo
balse loogu talagaley in uu Ardeyga wax ka
Daalacdo
Khamiis
31-ka Octaber
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 3aad
Jiliyaasha SOSCENSA
Wareysi Aan la yeelanay Wakiiladda Ragg ah ee Gobolada
Wakiilada SOSCENSA
Wargeyska CODKA SOSCENSA ayaa
,
wareysiyaadaan
soo socda ,la yeeshay,
wakiilada Dalladda SOSCENSA u fadhiya
gobolada: Shabeelaha Hoose,
Jubada
Dhexe,
Jubada
Hoose,
Bay,
Shabeelaha Dhexe iy Galgaduud ee Koofurta
iyo Bartamana Somalia..
1. Wakiilka
SOSCENSA ee
Gobolka
Shabeelaha Hoose.
Cabdikariim Aways Abbow oo ah Gudoomiyaha Daladda Ururka
dhalinyarada ah ee shabeelaha hoose, (LOSHAYON), oo ah urur
ay ku midoobeen dhallinyarada Gobalka Shabeelaha Hoose ka
kooban yahay. Waxaana la asaasay LOSHAYON 7dii bishiii
Febraayo ee sannadkii 2003dii. Waxaa ka soo qaybgalay dhisida
daladaasi 13 urur oo dhalinyaro ah. Afar urur waxa ay ka socotay
degmada Marka, 3 urur waxay ka socotay Degmada Afgooye,
Degmooyinka kalena midkiiba hal urur ayaa ka socday, sida:
Walanweyn, Awdheegle, Qoryoley, Sablaale, Kurtunwaarey iyo
Baraawe.
Ujeedada Daladda Loshayon loo asaasay waa:
Abaabulid kulamo dhalinyarada lagu wacyi gelinaayo oo u badan
aqoon is weydaarsiyo. Daladda LOSHAYON waxay soo saari jirtay
wargeys la yiraahdo wargeyska Dhalinyarada Shabeelaha Hoose
oo bishiiba mar soo bixi jiray .
Waxaa naga mid ahaa oo kale, Dugsigii wiilasha ee xirfad
barashada ee Lafoole, (Lafole Vocational Training School) iyo
Dugsiga Gabdhaha Agoonta ah ee Afgoye.
Loshayon waxay soo dhaweyneysaa wargeyska cusub ee
Codka SOSCENSA.
Waxaan aad u soo dhaweynaayaa aniga oo ku hadlaaya magaca
Daladda ururada dhalinyarada ee Gobolka shabeelaha hoose, oo
loo soo gaabiyo Loshayon wargeyska codka SOSCENSA. Waxaan
rajeynaayaa wargeyska codka SOSCENSA in lagu guuleysto,
waana soo dhaweyneynaa.
2. Wakiilka SOSCENSA ee Gobolka Jubada Dhexe
Magaceygu waa Abdinor Sh. Mursa,l waxaan ahay Maareeyaha
Dalladda
River Juba Aid and Development Organization.
Waxaana la Aas aasay May 2009. Waxaanu ka howlgalaa Gobolka
Jubada Dhexe. Howlaha aan qabano waa dhinac caafimaadka,
Quudinta iyo Xuquuqda Aadanaha.
Daladda River Juba Aid and Development Organization , waxay ka
kooban tahay : Juba Youth Advocacy ,Juba Women Group, Juba
Advocacy Network, Juba Business Network iyo Juba disability
Action Network.
Dhibaatooyinka degaanka ka jira
Gacan ka hadal haweenka la qabo ragoodu u geystaan,Gudniinka
fircooniga ah. Gabdho aan qaan gaar ahayn oo la guursado.
Waan soo dhaweyneynaa wargeyska codka SOSCENSA oo cusub,
waana uga mahadcelineynaa Daladda SOSCENSA tilaabooyinkaan
cusub oo ay qaadeyso, oo ay ka mid yihiin Wargeyska codka
SOSCENSA
.Wargeysku
wuxuu
fududeynaayaa in xubnaha
Daladda SOSCENSA
ay
helaan bar ay xogta isku
dhaafsadaan,
waxqabadkooda, Culaysyada
heysta, iyo xal u helidooda.
Waa bar fekrad la isku
dhaafsan karo, qof waliba in
xogta fadhigiisa ugu timaado,
waa howl loo baahnaa hadana
ha la dedejiyo.
3. Wakiilka SOSCENSA ee
Gobolka Jubada hoose
Magaceygu
waa
Cabdul
Maxamed Faarax, waxaan ka
shaqeeyaa urur la yiraahdo,
Lower Jubba Child Protection
Network, waxaana la aas aasay
sannadkii
2010kii
waxaana
ururkaa loo aasaasay in uu qabto
dhamaan howlaha lagu dhowrayo
xuquuqda caruurta ka yar 18
sano.
Ururkaan
waxaa
ku
midoobay 10 urur oo ka howlgala
Goboladda Jubooyinka, sida jilib,
Ceel Waaq, oo Gedo ka tirsan,
ururku
wuxuu
leeyahay
5
xubnood oo Guddiga Agaasinka
ah (BOD) Xilalkooda waxaa ka
mid
ah
Gudoomiyaha,
Gudoomiye
ku
xigeenka,
Xoghaye, Qasnaji iyo xubin.
Ku soo biiridda SOSCESA
Muddo sannad ka badan
ayaan olole ugu jiray sidii aan
ugu soo biiri lahayn daladdaas
weyn ee SOSCENSA. Markii
dambe
waxaan
ku
guulaysanay January 2013 in
aan ka mid noqonno Dalladda
SOSCENSA. Runtii muhiim
ayey noo ahayd ku soo biiridda
SOSCENSA, oo ka hawlgasha
gobolada kofurta iyo bartamaha
Somalia.
Dalladdayadayada
waxaa
Gudoomiye
u
ah
Maxamed Yusuf, Gudoomiye ku
xigeen waa Cabdulahi Xasan
Caynab, aniguna waxaan ahay
Agaasimaha Fulinta.
La Soco Cadadka Xiga….
Khamiis
31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 4aad
Bogga Arrimha Haweenka
Wareysiyo An la yeelaney Haweenka 5-ta ah ee Gobolada
Wakiilada uga ah Dalladda SOSCENSA.
1-Wakiilka SOSCENSA ee
Gobolka Hiiraan.
Magacaygu
waa
Mulki
Abshow, waxaan ahay ,
Wakiilka SOSCENSA ee
Gobolka Hiiraan. Waxaan la
shaqeeyaa
Urur
Haween
Ganacsato ah ay leeyihiin oo
la yiraahdo, ISRAAC, oo xubin
ka ah Dalladda SOSCENSA.
Ururka ISRAAC wuxuu ka
shaqeeyaa,Wacyigelinta
Bulshada
,DharTolidda,Tababaro-Xirfad
Barasho, oo aan siinno
Haweenka, sida:Dharka iyo
Cawda loo Kariyo,
Lacag
Deyn ah, oo Muddeysan,
ayaan Haweenka siinaa, si ay
nolol Maalmeedka Caruutooda
uga soo saaraan.
2.Wakiilka SOSCENSA ee
Gobolka Gedo.
Magacaygu waa
Shamso
Cabullahi Xaashi, waxaan ahay
Guddoomiyaha
Ururka
Horumarinta
Haweenka
oo
magaciisa loo soo gaabiyo
SODWO. Ururkaani wuxuu xubin
ka yahay Dalladda Jileyaasha
aan Dawliga ahayn
ee Gobolka Gedo,ee (GENSAA).
GENSAA-na waxay Xubin ka
tahay
Dalladda
SOSCENSA,Ururka
SODWO waxaa la asaasay
1992dii, wuxuuna ka hawlgalaa
Gobolada,
Gedo,iyo
Jubbooyinka. Waxaan xoogga
saanraa arrimaha Nabadeynta
iyo Waxbarashada. Haween
gaaraya 500, da'dooduna isugu jirto 14-45, ayaa dhamaystay
Waxbarashadoodii 3-da heer ahayd. Hadda waxay ku shaqeystaan
wixii la soo baray.
Ka warran Wargeyska CODKA
SOSCENSA?.
Aad baan u
Dhiirro-gelinaynaa una soo dhoweynaynaa Wargeyska CODKA
SOSCENSA in uu soo baxo. Waayo, waxaan filaynaa in uu wax
badan ka qaban doono hawlaha ay Dalladda SOSCENSA waddo.
Bulshada akhrisataa Wargeyska CODKA SOSCENSA, waxay
ogaanaysaa, SOSCENSA waxa ay Gobolada Koofurta iyo
Bartamaha Soomaaliya ka qabato. Wax wanaagsan ayaan ka
filaynaa in uu soo kordhiyo, Wargeyska CODKA SOSCENSA
3-Wakiilka SOSCENSA ee Gobolka Bakool.
Magacaygu waa Luul Isaaq Aden, waxaan ahay wakiilka Dalladda
SOSCENSAee Gobolka Bakool. Waxaan Madax u ahay, Ururka
Bakool Women Empowerment Center, oo xubin ka ah Dalladda
SOSCENSA.
Amni-darro ka jirta Gobolka Bakool darteed, ayaan hadda, waxaan
hawshii ka sii wadnaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Waxaan la shaqeeya dadkii ka soo Barakacay Bakool oo hadda
Baydhabo ku sugan. Dadkaas Barakayaasha ah baahidoodu aad ayey u
badan tahay.Adeegyada aan u fidinno waxaa ka mid ah: Fayo
Dhowrka,Gudiniinka.
4-Wakiilka SOSCENSA ee Gobolka Banaadir.
Magacaygu waa Kaaha Cali Rooble. Waxaan ka tirsanahay Ururka
Ganacsatada Haweenka Somaliyeed ee (SWEA). Ururkaas oo
Xubin ka ah Dalladda SOSCENSA. Waxaan nahay 12 Urur Haween
oo ku baahsan 11-ka Gobol ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa laba urur leh. Mid Afgooye ku yaal
iyo mid Marka ku yaal.
Waxqabadka Ururka. Waxaan nahay Gabdho Ganacsato ah, waana
iska-war qabaan.Gabdhaha Dhibaateysan, waxaan siinaa lacag Deyn ah, si
ay ugu shaqeystaan. Markii ay soo celiyaanna , tu kalaa la siiyaa. Hadda
kadib, waxaan jecelahay in la xoojiyo Xiriirka Ururka iyo Dalladda
SOSCENSA.
Aragta ay ka qabto Wargeyska Codka SOSCENSA.
Wargeyska Codka SOSCENSA, marka la soo saaro, wuxuu faa'iido weyn u
yeelanayaa, ISKA -WARQABKA XUBNAHA KA WADA TIRSAN
DALLADDA SOSCENSA.
5. Wakiilka SOSCENSA ee Koofurta-Gobolka Mudug.
Aniga waxaa la i yiraadaa Nuuro Faarax Kaarshe. Waxaan ka
socdaa Ururka Haweenka Ganacsatada ah ee HORSEED, oo Xubin
ka ah Dalladda SOSCENSA. Ururka HORSEED, waxaa la asaasay
2002dii,Haween badan baana xubno ka ah Waxqabka Ururka
Haweenka ee Horseed. Sannadkii 2009kii ayaa waxaan bilawnay
Dugsi Gabadhaha Danyarta ah ay ka bartaan Farsamooyin kala
duwan.Waxyaabaha Gabdhaha la Baro, waxaa kamida: Sida loo
Ganacsado, Dhar-Tolidda iyo Lacag Deyn ah siin oo aan siino .
waxaan kaloo aan Laca deyn ah siinaa kuwa Xisaabta bartay, oo
aan siinno,lacag Deyn ah, oo ay ku soo celinayaan lix Bilood
Gudahooda. Eeg Booga 11 aad
Khamiis
31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 5aad
Arrimaha Adeega Bulshada
160 Dhallinyaro ah aoo la Barey Xirfado ay ku Shaqeystaan
Hayadda Amin Voluntary And Relief Organization avro ayaa 160
Dhalinyaro ah oo isgu jira Wiilal Gabdho is tiro le’eg , Waxay sii
siisey Tababar Xirfad Barasho oo lix Bilood ah u socdey ,
Agaasimaha Hayadda AVRO Dr Cabduqaadir Cabdiraxmaan oo
Munaasabdii Xiraatnka Tababrka oo Dhawaan lagu qabtey Hatel
Shaaamow
ka
Hadley
ayaa waxaa
si weyn ugu
Dheeraadey
Qaabkii uu
ku Biliowdey
Mashuuraac
an
Shaqo
Abuurida
Xirfad
barashada
Dhalinyarad
a ee (Youth
Employment
And Placement Project) wuxuuna yiri “Markaan aragney Sida
Dhalinyarda aysan u heysan Shaqooyin ay ku shaqeytaan ayaa
Go’aansaney in Intii Awoodeenna ah ainaan
Dhalinyarda
Soomaaliyeed uga Faaiideyno Mashruucaan, Dhalinyaradaas
wwaxaa Fuudinomo, Sida loo sameeyo Alaabta Xafiisyada iyo
Guryaha la dhigto , Dhar Tolida , sida loo sameeyo Mobiladda iyo
Cilaan Saarka Tababarku markii uu dhaaamdey ka dib waxaan qof
kasta siiney Qalabkii uu ku shaqeysan lahaa iyo lacagtii ay Howsha
kyu biaabi lahaayueen . Agaasimaha Cabduqaadir wuxuu u
MahadceliiyeyHayadda Africa US Development oo uu sheegey in
Hyadaasi La.aanteed uusan Hirgeli lahayn Mshruucaan Shaqo
Abuurista iyo Xirfadaha isku jirey Munaasabada Xiritaankii tababrka
waxaa ka soo qaybgaley Musuuliyiin ka tirsan Degmooyinka
Gobolka banaadir, Madaxda Hayadaha Samafalka iyo Waalidiinta
Dhalinrada wax baratey.
Dareenka Bulshada
Shir lagu Mataanaynayey Bulshada
Rayidka ah iyo Booliska, ayaa
haddaka hor lagu qabtay Xerada
Gaadiidka Booliska ee Degmada
Cabdulca
sis, ee Gobolka
Benaadir Shirkaas oo ujeedkiisu
ahaa sidii Ururrada Bulshada
Rayidka
ah, iyo Ciidamada
Boolisku
,
isaga
kaashan
lahaayeen, xal u helidda, amnixumada Dalka ka jirta.
Cabdulkadir Ibraahim Gacal, "Abkow", oo ah Guddoomiyaha
Dalladda Dhaqaaqa Bulshada, oo ku hadlayey Magaca Bulshada
Rayidka,ayaa hadaladiisii, waxaa ka mid ahaa: "
Madaxda
Dawladdu ha ka soo Guureen
Derbiyada
ay isku soo
wareejiyeen, oo dadweynaha
ay Madaxda u yihiin ha soo
dhex-deggeen,
si
ay
u
kasbadaan
kalsoonida
Dadweynahooda."
Waxaa codkooda ku biiriyey
dareenka leh
ku muujiyey
Guddoomiye
Abkow,Guddoomiyeyaasha
Degmooyinka Warta Nabadda
,Dayniile,Yaaqshiid iyo Hiliwaa
Waxaa iyana halkaas ka
hadashay Marwo Batuulo
Sheikh Axmed 'Gaballe", oo
ah Guddoomiyaha Ururka
Haweenka
Qaranka
Soomaaliyeed,
waxaan
hadaladeedii
ka mid ahaa :" Waxaa dhacda
dadka is-xilqaama, oo isku
daya in ay Nabadgelyada ka
qaybgalaan, markii ay wax
soo sheegaan, Dadkii ay soo
sheegeen markii Xabsiga la
geliyo kadib, ayaa Xabsiga
waxaa kala soo baxa, Dad
Madaxnimo sheeganaya ama
Magac
Qabiil
wata,
Dadabeedna,wixii xumaa oo
uu
samayn
jiray
ayuu
Blushada dib ugula soo
noqdaa.
Taasina
waxay
abuuraysaa
Kalsooni-darro,
wada Shaqeyn la'aan, iyo in aan
cidina
ku
Dhiirran
in
ay
Ciidamada Amniga, mar dambe,
dib ula shaqeeyaan
Khamiis
31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 6aad
Arrimaha Dhalinyarada
Tahriibku waa Dilaaga Dhalinyarada
23 kii Sanno ee Somaaliya ku jirtey kala dambeyn La’aanta,waxaa
Dalka ka yaacay xooggii Dhallinyadda Soomaaliyeed ee uu dalku
lahaa,,waxay waayeen Amni, Shaqo, iyo Waxbarasho,,waxaa Laab
kiciyay Dallaal iyo Danley aan Dhallinyadda u naxin oo aan u
naxariisan,D
hallinyaradda
Soomaaliyee
d waxaa ku
habsadey
Dagaal aan
dhamaad
lahayn,,Hanb
adii ka soo
hartay
colaada
,waxey
u
yaaceen Dunidda Afarteed Gees,waxay si miyir La’aan ah u galeen
Badaha iyo Saxaraha,,qaar waxay ku dhinteen Badda u dhexeyso
dalalka Soomaaliya iyo Yeman,qaar waxey ku dhinteen Saxaraha
lama Deegaanka ee Qaaradda Afirka.qaar waxay ku xiran yihiin
Xabsiyadda Adduunka,qaar Raqdooda iyo Ruuxooda waa la
waayey,qaar waxay noqdeen Burcad Badeed.qaar waxaa Xaabo u
noqdeen Dagaaladii Sokeeye, iyadoo taaooi jirta weli waa uu
socdaa Tahriibkii Waalida iyo Qar iska Tuurnimada ahaa
Soomaalidu waxay Tiraahdaa Meyd maxaa u dambeeyey “Kaa la sii
Sido “waxaa Xeebaha Talyaaniga laga soo Calaamadeeyey in ay ku
dhinteen dad fara badan oo Soomaali ku jirto oo intooda badan ay
ahaayeen Dhalinyaradii dalka iyo dadka wax u tari lahaa, taasoo
muujineysa in “Tahriibku uu yahay waa Dilaaga Dhalinyrada
Soomaaliyeed ”
Nin Dhalinyaro ah oo Diidey in uu Is Dhiibo
Wargeyska Codka SOSCENSA,
ayaa Wareysiga soo socda
wuxuu dhowaan Magaalada
Xamar kula yeeshay, Maxamed
Cali Faarax, oo ka mid ah
Madaxda Dalladda Awood-siinta
Naafada Somaliyeed Bilawgii
Noloshiisa. " Marna isma aan
dhigan, oo isma moodin in aan
ahay qof Naafo ah, oo Dadka
kale ka hooseeysa." sidaas
waxaa yiri Maxamed.
Maxamed Cali Faarax Wuxuu ku
Dhashay Magaaladda Baled
Weyne ee Gobolka Hiraan Sannadkii 1983dii, n. Saddex (3) Sano
markii uu gaaray, ayaa waxaa ku dhacay Cudurka Dabaysha, oo
Qaarka dambe ka Curyaamiyey.Dadaalkiisu ma yarayn, oo dadkiisa
ayaa geeyey Dhakhaatiir gudaha iyo dibada joogay. Nasiibdarro,
dadaalkoodaas
badnaa,
kagama aysan Badbaadin,
waxyeelada
Cudurkii
Dabaysha 10 sano makii uu
gaaray,ayaa Xamar loo soo
wareejiyey.
Halkaas
ayuu
Waxbarasho ka bilaabay,ilaa uu
Tacliinta heer ka gaaray In
kastoo uu markaas yaraa,
hadana, wuxuu lahaa Maskax ku
Filan, iyo Garaad uu Nolol ku
abuurto.
Had
iyo
goor,
waxa
uu
danaynayey, in uu noqdo, qof
isku filan, Naafanimaduna ma
ahayn, mid uu
meel la
Fariisto. Waxaa uu Maxamed
yiri “ Anigu marna isma aan
dhigan, oo isma moodin, in
aan ahay qof Naafo ah, oo
Dadka kale ka Hooseeya.
18 sano markii uu gaaray,
ayuu bilaabay, Nolol cusub.
Mar kasta, wuxuu ku fekeri
jiray, in uu noqdo, qof isku
filan. Marna, isma oran, ma
shaqaysan kartid, ee meel
fariiso.
Wuxuu furtay Xarun Adeegga
Teleefanada laga bixiyo. wuxuu
yeeshay dad badan oo isugu jira
Dhallinyaro iyo Waayeel, oo
xaruntiisa si joogta ah ugu soo
xirmay. qaar badan oo ka mid ah
waxay la noqdeen saaxiibbo.
Derisku waxay ku Magacaabi
jireen in uu Maxamed yahay Qof
dadka
uruuriya,Xarunta
Taleefanadu si fiican ayey ugu
soctey .heer fiican ayuunna ka
gaaray xagga Nnolosha.
Maxamed. Labaatan Sano makii
uu gaaaray, oo uu yeeshay
Dhaqaale ku filan, ayaa waxaa
gashay
Hawo
Guur.Waa
Guurstaday, Caruurna waa uu
yeeshey Maxamed Inta badan
Noloshiisa,wuxuu isku barbar
waday: Caruur Korin, Shaqo
iyo Waxbarasho
Wargeyska Codka
SOSCENSA
Khamiis
31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 7aad
Nolosha Islaamka
Taariikh Cibro ah:
Qeybtii Koowaad
Intii lagu guda jiray khilaafadii
Dowladdii Islaamka ee ay
hoggaaminayeen
Madaxdii
Ummawiyiinta
waxaa
Ciidamadii Muslimiintu furteen
oo Dowladdo Islaam ah oo
hoos yimaada khilaafada guud
ee Ummawiyiinta ka dhiseen
Dhulal badan oo la dhihi karo
waxay
koobnaayeen
Qaaradaha aduunka, gaar
ahaan Aasiya, Afrika iyo
Yurub. Dhulalka marka aad
Taariikkhda Islaamka akhriso
aad cibro iyo darsi muhiim ah
ka qaadaneyso waxaa ka mid
ah dhulkii la oran jiray
ANDULOS. Tilmaan ahaan
hadii aan caddeyno Dhulkaas
Taariikhda
Islaamka
loo
yaqaan
ANDULOS,
waa
labada Dowladood ee dhaca
qaarada Yurub ee la yiraahdo
Isbaaniya
(Spain)
iyo
Bortuqaal (Portugal) iyo qeybo
kale oo ka mid ah dowladaha
dariska la ah.
Sida aan kor ku xusnay
ANDULOS,
waxaa
la
xoreeyey xilligii Khilaafadii
Islaamka ee Ummawiyiinta,
waxaana Amiirka Muslimiinta
ahaa markaas Waliid Ibnu
Cabdimalik,
waxaa
xoreynteeda qorsheeyey oo
lahaa
fikirka
xoreynta
dhulkaas Guddoomiyihii ama
waalligii
Khilaafadaas
ee
Waqooyiga Afrika Muuse
Ibnu Nasiir, hoggaamiyihii
Ciidankii
furday
dhulka
ANDULOS
wuxuu
ahaa
Dhaariq
Ibnu
Siyaad,
waxaana Muslimiintu furteen
sanadkii (92 dii Hijriga, oo
waafaqsan, 710, Miilaadiga).
Waxaana
halkaas
ka
dhisantay Dowlad Islaam ah oo aad u xoog badan mudo dheerna
jirtay, waxaana taariikhda lagu sheegaa in dadkii ku noolaa dhulka
ANDULOS xilligaas intooda badan qaateen Diinta Islaamka, taasina
sababtay in dhulkaas ay kasoo baxaan culumo aad ugu Baac dheer
Diinta Islaamka qeybaheeda kala duwan, sida culuumta Tafsiirka,
Xadiith-ka, Taariikhda, Fiqiga, Luuqada Carabiga iyo Siyaasadda
Islaamka. ANDULOS waxay ka baxday gacanta Khilaafada Islaamka
oo goobtii ugu danbeysay maamulka Muslimiinta lagala wareegay
Sanadkii (897 Hijriga, oo waafaqsan, 1492, Miilaadiga).
Marka aad tixraac ku sameyso muddada u dhaxeysa markii la
xoreeyey ANDOLUS ee Muslimiintu furteen iyo markii ay ka baxday
gacanta Muslimiinta waxaa kuu soo baxaysa in Khilaafada Islaamku
ka talineysay dhulkaas waqti dhan (805) sano. Muddadaas iyada ah,
dhulkaas wuxuu soo maray Afar marxaladood oo kala duwan,
kuwaas oo taariikhda Islaamku ku sheegto (1. Xilligii
horumarka iyo Barwaaqo Sooranka, 2. Xilligii kala qeybsanka
iyo Dowladaha badan, 3. Xilligii khilaafka iyo isfahan waaga iyo
4. Xilligii burburka iyo baaba’a dowladii Islaamka ee
ANDULOS).Marka hadda la eego dhulkii ANDULOS ee
muslimiintu ka talinayeen muddada Siddeeda Boqol iyo
dheeraadka ah, dadka muslimiinta ah ee ku nool waxaa lagu
qiyaasaa in ay yihiin (1%) Boqolkii hal ama ka-yar. Hadaba
waxaa isweydiin mudan dhowr su’aalood oo kala ah; maxaa
sababay in Dowladii Islaamka ee ANDULOS burburto? Xagee
ku dambeeyeen ama ku baaba’een dadkii Diinta ku baac dheeraa
ee muslimiintii ANDULOS? Maxay tahay Cibrada ama darsiga lama
ilaawaanka ah ee laga faa’iidayo burburka dowladii Islaamka ee
ANDULOS iyo baaba’a dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa
dhulkaas? Jawaabta su’aalahaas oo dhan kala soco qoraalada
dambe ee aan ku soo gudbin doono joornaalka CODKA SOSCENSA
La soco qayb kale.
W/D Saciid Birmad Cigaal
Faalada Wargeyska Heshiis Cusub
Ka yimid Bogga Koowaad
Waxaana ka mid ah
1.In marka hore Dawladda iyo Dadweynaha oo wada jiraa si buuxda
u hantaan ficil ahaan Qarnimada iyo Midnimada dalka. 2. kana
dhabeeyaan nidamaaka Federaalka ah oo ku baahay dalka oo dhan.
3. Diiwaangeliyaan Xisbiyo siyaasadeed oo hoggaanka dalka ku
loollama. 4. la tiro koobo dadweynaha Somaliyeed.5. Dastuurka
Afti dadweyne loo qaado. 6. Doorashooyin siyaasadeed oo madax
banaan dalka ka qabsoomaan, si dadweynaha Somaaliyeed fursad
ugu helaan, ay ku soo doortaan , markii ugu horesay muddo 50
sano ku dhow, madax rabitaankooda ku yimid xukunka..
Heshiiskaan Cusubi dadka Somaliyeed wuxuu siinayaa fursad qaali ah, oo
ay dalkooda, ku gaarsiin karaann nabad waarta iyo dawladnimo sal-adag
leh, iyaga oo wadajira.
Khamiis
31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 8aad
Dhaqanka iyo Suugaanta
HIBO NUURA: “Magaalada Muqdisho waxay ku socotaa Waddadii
Horumarka Xilli Dhowna waxay ku Noqonaysaa Muqdishadii hore”
Fannaanada weyn ee Hibo
Maxamed
Hudoon
(Hibo
Nuura) oo Bishii hore dib ugu
“Tiyaatarka, Hoteel Curuba iyo Hoteel Jubba oo aan ka Heesi jiray
markaan arkay burburka ku dhacay si aad ah ayaan u calool
xumaaday, laakiinse mar walba oo aan xusuusto waxaan isku
qanciyaa in goobo kale ay dhismeen,” Fanaanadu ku tiri wareysi
gaar ah oo ay siisay Shabakadda Sabahi Online.
Wareysi aan la yeelaney Maareeyihii Hore
Golaha Murtida iyo Madadaaladda
soo laabatay magaaladda
Muqdisho ayaa rajo weyn ka
muujiyay in Muqdisho ay dib
ugu laabanayso Muqdishadii
hore.
Hibo Nuura ayaa sheegtay in
Muqdisho ay ka tagtay iyadoo
qurxoon, balse ay aad uga
naxday markii ay aragtay sida
ay u burburtay, waxayse
sheegtay in rajo badan ay
geliyeen dhismayaaasha ka
socda
Caasimadda
sida
Jidadka dib loo dhisayo.
“Muqdisho waxay ahayd meel
qurxoon
markii
aan
ka
tagayay, balse maanta waad
arkaysaa sida ay u burbursan
tahay. Waxaa jira dhismayaal
cusub oo aad u dhaadheer oo
aan
horay
ugu
oolin
Muqdisho,
waxayna
igu
dhaliyeen kuwaas in Dalku uu
dib u dhismayo,” ayay tiri Hibo
Nuura.Sidoo
kale,
Fannaanada oo ka timid Dalka
Jarmalka ayaa sheegtay in
haddii ay Muqdisho ku socon
lahayd sidii hore waxay
maanta la mid noqon lahayd
Caasimadaha
Adduunka
balse way u qornayd, haddana
rajo wanaagsan ayaa ka jirta
ayay ku tiri hadalkeeda.
"Fanaaniintu waa dad cajaaib leh, oo waxay rabaan, markiiba ka
Jibba keenaya". Sidaas waxaa yiri, Maareeyihii Guud oo hore, oo
Golaha Murtida iyo Madadaalada, Xildhibaan Cabdi Xaashi
Cabdullahi, oo dhowaan Wareysi, gaar ah, siiyey wargeyska CODKA
SOSCENSA.
Su'aal: Fanaaniintu waa dad noocee ah?
Jawaab: Fanaaniintu waa dad cajaaib
leh, oo waxa ay rabaan, markiiba ka
Jiba keenaya. dad xun ma aha. Waa
Waddaniyiin. dadkana in badan bay
ka horeeyaan,Waxa soo socda oo
fiican iyo waxa xun oo soo socda ,
labadaba waa odorosaan, oo ka
diggaan wixii xun.
Waa dad wax weyn dalka tari kara,
haddii la helo , Hoggaan Ummadda uga faa'iideeya. dadku meel uu
joogaba, wuxuu leeyahay Saddex cadow, oo kala ah:
Gaajada, Cudurada iyo Jahliga. Suugaan bay yiraahdeen:
WAA DAGAALAMAYNAA, CADAWGA UGU DARAN ADDUUNKA
GAAJAAN LA DAGAALAMAYNAA. AAN DABARGOYNEE
DHAMMAAN INA SOO DAREERSHA.
2.
Su'aal: Ifafaaleyaashii muuqday dagaalada ka hor maxay ka
yiraahdeen?
Jawaab: Wax badan bay yiraahdeen. Tusaale fiican, waxaa ugu filan,
Abwaan Mustafaa Sheikh Cilmi, Gabay uu u bixiyey, - HALYS-DABODHABOOLOQO, oo uu tiriyey 1986,wuxuu ku yiri: - DHEG-XIR NIN AAD
KU AAMNIN,DHIF IYO NAADIR WEEYEE, ISAGAA DHUNJINAYEE,
MAXAA
LAGA
DHUR-SUGAYAA,
DHAYLADAAN
KU
BOOBNAY,DHABAHA
IYO
LAAMIGA,
HADBA
DHINAC
U
YAACNAYEE,DALXIIS DHULKA
INAAN KU NIMID, DHUGTAA, HA
INA MOODEE, HALYS-DABA-DHABOOLOQO- BAL AAN DHAXALKA
DHOWREE. Shan Sano kadib waa tii la oogaa wixii dalka ka dhacay.
3. Su'aal:Si loo hawlgeliyo Fanaaniinta, maxaa loo baahan yahay?
Jawaab:Si Fanaaniinta Dalka loogaga Faa'iideeyo, waxaa loo
baahan yahay laba arrimood?
Marka hore waa in uu jiraa rabitaan Siyaasadeed oo ka yimaada
xagga Madaxda dalka. Marka labaad,Fanaaniinta in loo abuuro
fursado
ay
wax
soo
saar
Faneedkooda
ku
shaaciyaan,Fursadahaas,waxaa ka mid ah in dhaqso loo dayactiro
Golaha Murtidada iyo Madaalada, oo ah xaruntii ay Ddadka ugu soo
bandhigi jireen Waxqabadkooda. Hadda waa ay haystaan Qalabkii
ay ku hawlgeli lahaayeen. La soco Qayb kale
Khamiis 31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 9-aad
Faaqidaada Ciyaaraha
Soomaaliya oo Kaalinta 1-aad ka gashay
Gabagabadii Tababarka Caalamiga ah ee FIFA u qabato
Macalimiinta Garsooreyaasha ee loo yaqaano FIFA Futuro III
Course ayaa Soomaaliya waxaa la siiyay Kaalinta 1-aad kaddib
markii Cali Maxamed Axmed oo ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee
Kubada Cagta
la siiyay Abaal
Marinta
Kaalinta
1aad
isagoo
noqday Qofkii
ugu Dhibcaha
badnaa
Imtixaankii
Khubarada
FIFA
ay
qaadeen.
Sharaf weyn
ayay u ahayd
Soomaaliya in
Dhacdadan
Caalamiga ah laga garaacay Musikada Astaanta Calanka
Soomaaliya iyadoo meesha ay ku sugnaayeen wufuud ka kala
socotay Dalal aad u fara badan kuwaas oo aan nasiib u yeelan in
Astaanta Calankooda meesha laga tumo, balse mar qura goobta
laga maqlay Astaanta Calanka Soomaaliya.
Munaasabadii Gabagabada ayaa lagaga dhawaaqay in Cali
Maxamed Axmed oo ka socday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada
cCgta uu galay Kaalinta 1-aad Halka kaalimaha 2-aad iyo 3-aad ay
kala galeen ABASI oo ka socday Uganda iyo GIZETE oo ka socday
Dalka Itoobiya oo Koorsadana lagu marti geliyay.
Waxaa tani ay ahayd talaabo kale oo Guul Xambaarsan oo usoo
Hoyatay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo dhawaana ku
Guuleystay in markii ugu horeysay dalka Soomaaliya lagu qabto
Tababarka noociisu yahay (FIFA Grassroots Course) oo Soomaaliya
waligeed aanay horay u helin. Cali Maxamed Axmed oo Saxaafada
hadal siiyay ayaa sheegay in Dhacdadani ay Tusaale weyn u ahayd
in Horumar weyn oo xaga Kubada Cagta ah uu ka jiro Dalka
Soomaaliya oo soo maray Dagaalo kuwii ugu xumaa ee Dunida ka
dhaca dhowr iyo labaatankii Sanno ee la soo dhaafa
Filim Todobaadka ee FIFA oo Diirada lagu
Saarey Kubadda Cagta Soomaaliya
Iyadoo Xiriirka Kubada Cagta Adduunka ee FIFA uu xooga saarayo
Horumarinta Kubbada Cagta Soomaaliya ayaa Filim Documentary
ah oo soconaya 4 Daqiiqo iyo 44 Ilbiriqsi oo la soo dhigay
Shabakada FIFA.com waxaana soo Bandhigadda Filimklaas FIFA
ay u Aqoonsatay Filimka Todobaadka.
Filimkan oo Cinwaan looga dhigay Doorka Kubbada Cagta ee
Nabadeynta Soomaaliya soconayana wax ka yar 5 Daqiiqadood
ayaa
sidoo kale lagu soo muujiyay
Guddoomiyihii
hore
ee
Kubada Cagta Soomaaliya
Alle ha u Naxariistee Siciid
Maxamuud Nuur (Mugabe) iyo
Madax kale oo Salaad ku
Tukanaya Xarunta Farsamada ee
Jabuuti intii uu socday Tababarkii
FIFA ay u qabatay Soomaaliya
sanadkii 2009-kii kana dhacay
Hotelka Sheraton ee Jabuuti.
Waxaa Filimka lagu xusay
Doorkii Guddoomiyihii hore Siciid
iyo Guddigiisu ay ka qaateen
Horumarka
Kubada Cagta
Soomaaliya
iyo Dadaalkii
Guddoomiyahii hore ee ku
aadanaa
Tayeynta
Xulka
Qaranka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Filimka
lagusoo qaatay Koorsadii
FIFA ee dhawaan ka dhacday
Garoonka Stadium Banaadir
ee Muqdisho taasoo ahayd tii
ugu horeysay ee Dalka lagu
qabto
tan
iyo
1986-kii.
Koorsadan oo nooceedu ahaa
Grassroots Development ayay
ahayd markii ugu horeysay ee
Soomaaliya ay hesho nooceeda
oo kale, waxaana FIFA ay
Koorsadaa ku tilmaantay talaabo
Taariikhi
ah
oo
Xiriirka
Soomaaliyeed uu horay u qaaday
Waxaa kaloo Filimka lagu xusay
laba Cayaartoy oo ka tirsan Xulka
Qaranka Soomaaliya ee Ocean
stars kana cayaara London iyo
Mustaqbalka Doorka ay ku
yeelan
doonaan
Xulka
Qaranka Soomaaliyeed
Khamiis 31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 10-aad
Bandhiga Qubanaha
Kulankii Wax Qabadka Saddexda Kooxood Guddi Howleedka SOSCENSA
Waxaa Hotelka
150 Dhalinyaro oo Tababar
CITY PALACE ee
Xifradeed ay ku Shaqeysteen…
Magaaladda
Muqdisho Kulan
isugu
yimid
Xubnaha
Jilayaasha
aan
Dowliga ahayn ee
Koonfurta
iyo
Bartmaha
Soomaaliya
(SOSCENSA) , waxaana Goobjoog ka ahaa
Doodaas Xubno ka socdey Wasaaradda Arrimaha
Dibadda , Xildhibaano iyo Wasaaradda Garsoorka
ee Dowladda Federaalka ,waxaana Dood laga
yeeshey Qodobadii loo direy Saddexda Kooxo
Howleed ee Dallada SOSCENSA. (Three Thematic
Working Groups “TWG”) iyo waxa u Qabsoomay iyo
Waxa ay Qabanayaan Muqstaqabalka Waxaana
ugu Horeyntii halkaa ka Hadley Agaasimaha Fulinta
ee Dalladda SOSCENSA Xasan Axmed Sadiiq oo
ku Dheeraadey Ujeedooyinkii loo Aas-Aasey
Dalladda
SOSCENSA
iyo
waxyaabihii
u
Qabsoomey mudadii Dheereed ee ay Dhisneyd
Daladaas laga soo bilaabo 2008 ilaa 2013 Waxaa
kaloo halkaas ka hadley Gudoomiyaha Dalladda
SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo
sheegey in sababaha loo sameeyey Sadexdaas
Guddi Howleed in ay tahay in ay ka Qareemaan
Qodobadii loo direy islamarkaana
Dowladda ka siiyaan wixii Talooyinka ah oo ku
saabsan Amniga iyo Qaran Dhisidda , Dastuurka
iyo Sharciyada Dalka iyo Samafalka (Gargaarka)
iyo Gaarsiinta Adeegga Bulshada. Ugu Dambeyntii
Doodii maanta waxaa soo Xirey Wasiir ku Xigeenka
Wasaaradda Arimaha Dibadda Jamaal Maxamed
Barrow oo u Mahadceliyey intii soo Abaabushey
Doodaas , isagoo sheegey in Qodobadii loo direy
Guddi Howleedka ay yihiin kuwa loo baahnaa
islamarkaana Dowladda wixii Talooyin ah ee ka soo
baxa ay qaadan Dooto , hadii dib u Milcsano
Qodobadda loo direy Kooxo Howleed ee Dallada
SOSCENSA. (Three Thematic Working Groups
“TWG”) waxay kala yihiin .
Kooxda Koowaad Waxay ka shaqeynaysaa
Nabadda iyo Qaran Dhisidda. (Peace-building and
State-building)
Kooxda
Labaad:
Waxay
ka
shaqeynaysaa howlaha Dastuurka iyo Sharciyada dalka
(Democratization) Kooxda Saddexaad: Waxay ka
shaqeynaysaa howlaha Samafalka (Gargaarka) iyo
Gaarsiinta Adeegga Bulshada. (Aid and Public Serviced
Delivery
150 Dhallinyaro ah, oo isugu jira Gabdho iyo wiilal,
ayaa waxaa dhowaan magaalada Baydhabo, oo ah
xarunta Gobolka Bay, ugu soo dhammaaday,
tababar-Xirfad-Barasho oo muddo lix Bilood ah u
socday. Sida uu Warbaahinta u sheegay Weriye
Mukhtaar Maxamed Catoosh, Dhalliyaradaas
waxaa la baray ,Xirfado-Shaqo- Abuur leh, oo ay ka
mid yihiin: Farsamada Sameynta Alaabta Guryaha
iyoXafiisyada
la
dhigto,Dhar-Tolidda
iyo
Kumbiyuutarka.
Guddoomiyaha
Degmada
Baydhabo Xasan Macalin Axmed, oo ka hadlayey
Xafladdii Xiritaanka ,ayaa soo dhoweeyey
Tababarkaan,
ujeedadiisu ahayd, sidii
Dhallinyarada Gobolka Bay, Shaqo loogu abuuri
lahaa. "Shaqo La’aanta haysata Dhallinyaradeenna
waxay saameyn weyn ku leedahay, Amnidarrada
Dalka ka jirta", ayuu yiri Guddoomiye Xasan Macalin
Axmed. Madaxa Hay'dda CREDO , oo iyadu Hawsha
fulisay, Cali Nuur Food-cadde ayaa yiri, "Barnaamijkaan
waxaan ugu talo galay in ay ka faaiideystaan Dadka
Danyarta ah, oo inta badan, aan heli karin Fursado
Waxbarasho.
.Ka yimid Bogga 6aad
Lix bilood kadib, marka ay lacagta soo celiyaan, intii
hore oo kale ayaa la siiyaa. Waxaan u sheegnaa in
ay , Damiin noo keenaan. Nasiib wanaag, Damiin
bay noo keeneen. Si Sharaf leh ayey u soo
celiyaan lacagta Deynta ah ee la siiyo. Lacagtuna
sidaas ayey ugu wareegaysaa dhexdooda. Sida ay
u kala dadaal badan yihiin, ayey u kala faaiido
badan yihiin.
Isticmaalka Gaari-Gacanka oo ayan aqoon,Markii
dambe, si ay ay Alaabta Bagaashka ah u
saartaan,waxaan
kula
Talinay
Gabdhahaas
Danyarta ah, in ay isticmaalaan, sida GaariGacamada loogu Shaqeysto. Waxay nagu
yiraahdaan , Gaari-Gacamada ma naqaan sida loo
riixo. Waana nagu adag tahay sidii aan ugu
Shaqeysan lahayn. Waxaan ku niri, waa yahaye,
sidiinii hore isaga sii Shaqeysta
Aragtideeda wargeyska Codka SOSCENSA..
Aad baan ugu faraxsa nahay in SOSCENSA ay
Wargeys
soo saarto. Wargeyska CODKA
SOSCENSA, marka la soo saaro, waxaan u
geynayaa Gabdhaha Gaalkacyo jooga, si ay u wada
akhristaan.sidoo kale Waxaan u geynayaa Ururrada iyo
Dalladaha kale ee Degaanka. Faa'iidooyinka laga helayo
waxaa ka mid ah: Marka ay Akhristaan kadib, waa isku
xirmeynaa , waxaana Wadaagaynaa
Khamiis 31-ka October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 11-aad
La yaabka Dunida
, Nin Soomaali ah oo loogu yeerey Geesigii WestGete oo la kulmey
Qoys uu Badbaadiyey
Iyadoo dhawaan uu weerar ka dhacay xarunta laga
Dukaameysto ee wWstgete ayaa intii uu socdey
weerarkaas
waxaa
Warbaahinta
Caalamka
qabsadey nin Soomaaliyeed oo qayb ka qaatey sidii
dadka ku jira Xaruntaas uu u badbaadin lahaa
Cabdul Yuusuf Xaaji oo loogu Magacdarey Geesigii
lahaayeen meel ay afka saaraan, Sidoo kale ayaa
Cabdul Xaaji oo ka hadlay arintaas waxaa uu
sheegay in gabadhaas yar ee uu soo badbaadiyey
uu la yaabay caqligeeda iyo sida ay u dhageysatey
waxay u sheegayeen, Cabdul Xaaji oo ah wiil uu
dhalay wasiiirkii hore difaaca Yuusuf Xaaji ee
dalkaas Kenya ayaa goobtaas tegay markii uu
maqlay inuu dhacay weerar lagu qaaday xaruntaa
Gabar Soomaaliyeed Oo lagu tijaabiyey Aalad
Aduunka Ku Cusub Oo lagu Guuleystay
Taariikhda Ayay Galashey Aduunka Oo Dhan
Latifa Siciid waxay noqotey gabadhii ugu horeysey
oo loo galiyo kalyo qof dhintey[/caption]Gabar
Soomaali ah oo ay Kalyaha shaqayn waayeen ayaa
Xarunta Westgate ayaa waxaa la sheegay inuu
markii ugu horeysay uu la kulmay Qoyskii iyo
Gabadhii yareyd ee uu ka soo badbaadiyey
Mashaqadii Westgete.Warbaahinta Caalamka ayaa
maalmihii la soo dhaafay waxaa qabsaday sawir
cajiib ahaa oo muujinaayey sida uu Cabdul Xaaji
ugu gacan haatinaayey Gabar yar oo 4 sano jir ah
oo lagu magacaabo Portia Walton oo nafteeda kala
carareysay weerarkii ay ku qaadeen xarunta
ganacsiga ee Westgate +kooxda Alshabaab,
hadaba waalidiintii dhalay gabadhaas oo ayagana
waqtigaas ku sugnaa goobtaas oo ayagana laga
soo badbaadiyey weerarkaas ayaa waxaa markii
ugu horeysay ay la kulmeen Cabdul Xaaji iyagoona
uga mahadceliyey sida uu ugu hurey naftiisa, Qoyskaan
oo u dhashay dalkaas Mareykanka kana koobnaa Hooyo
iyo Aabe iyo 6 caruur ah oo ay dhaleen ayaa
dhamaantood ku sugnaa goobtaas iyadoona markii
uu gabadhaas badbaadiyey uu sidoo kale hadana
uu ka soo badbaadiyey goobtaas hooyadii dhashay
gabadhaas yar oo lagu magacaabo Katherine
Walton iyo 2 caruur ah oo la socday oo ay
da'adoodu kala ahayda 13 bilood jir iyo 2 sano jir
Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas lagu magacaabo
Cabdul Xaaji uu ka mid yahay rag loo qoonsaday
inay ahaayeen geesiyiin naftooda u hurey inay soo
badbaadiyaan nolosha qaar badan oo ka mid ahaa
dadkii ku jirey xuranta ganacsiga ee Westgate ayaa
hooyada qoyskaas uu soo badbaadiyey waxay sheegtay
inay si aad iyo aad ah ay ugu mahadcelinayso
nolosheeda ninkaas soo badbaadiyey ee Cabdul Xaaji
iyadoona sheegtay inay la'aantiis ay ku wareeri
laga bad alay Kalyaha dalka isu tagga Imaaraadka
Carabta, waxayna noqoneysaa qofkii ugu horeeyey
ee ebed isbitaalada dalkaasi ay xubin jirka ka mid
ah u badalaan una galiyaan xubin kale oo laga
keeney qof dhintey.
Imaaraadka oo dhan Hal Isbitaal ayaa shati u
heysta in uu xubnaha Bini’aadamka badelo,
waxaana lagu magacaabaa Sheekh Khalifa Medical
City, waxaana ogolaanshahaasi bixiyey Golaha
Caafimaadka Imaaraadka kadib sanooyin badan oo
tijaabo ah.
Dowladda iyo bahda Caafimaadka dalkaasi ayaa
siweyn ugu faanaya wax ay ku tilmaameen horumar
weyn oo lagu talaabsaday, kadib markii lagu
guuleystey Qaliinka gabadhani Soomaaaliyeed loo
sameeyey oo noqdey kii ugu horeeyey oo ebed
Dhaqaatiirta dalkaasi ay fuliyaan, iyadoo dadka
xubnaha jirka laga badalayo waxa ay ahaayeen
kuwa ay ku yaboohaan dad nool.
Xubinta la galiyey Latifa Saciid ayaa waxaa laga
heley qof dalka Sucuudiga u dhashay oo u dhintey
Shil baabuur, waxaana la sheegey in gabadhani oo
muddo 16 Sano ah Tuubooyin lagu dabiibayay in ay
is yeesheen Kalyaheeda iyo kuwa qofka dhintey.
Khamiis 31-da October
2013
Codka SOSCENSA
Bogga 12-aad
Soo saaridda Wargeyska Codka SOSCENSA waxaa iska Kaashadey Hay’adaha
SOSCENSA , MIDOWGA YURUB,SAFERWORLD iyo UKAID
Oraahda Sawirrada
Sawiradii Kulankii Wax qabadka Saddexda Kooxood Guddi
Howleedka SOSCENSA (TWG)
Daladda Waxbarashada SAFE oo Qaybisey 25 kun oo Buugaag Cilmi ah
Wargeyska Soscensa Ma heshaa? Maxaa ku Xiisa Geliyay? Maxaa lagu Kordhiyaa?
Lasoo Xiriir Xarunta:
+252-615524592 / +252616002296

Similar documents

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014 CODKA SOScEnSA Resource Newsletter Waa Bille Madaxbannaan

More information

Somali - Lausanne

Somali - Lausanne oo daryeel -dhaqaale la siiyo iyo meelo shirkad iskaashato ahaan maamulaan. Xafiiska warbixinta Waalidiinta wuxuu soo dhaweynayaa codsiyadaada, wuxuuna kugu caawinaaya helidda meesha saxda ah ee uu...

More information

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma dhacda in Soomaalida ay iska sameysato dhawaaq gaar ah oo magacii xaafada ah oo aysan fahmeynin dadka dalka u dhashay, haddii aad qaban weeyso magaca gacanta ama warqad ku qoro oo tus darawalka, me...

More information