Nuqulka Kowaad ee Jaraa`idka

Transcription

Nuqulka Kowaad ee Jaraa`idka
SANAAGPOST
VOL. 1
CADDADKA 1aad
/ khamiis 14 AUGUST 2014
/
WWW.SANAAGPOST.COM
/
QIMAHA:-5000 Ssh
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Safar shaqo ku
tagay magaala Ganacsiga Puntland ee Bosaso
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed
Cali ”Gaas” oo Saxaafada kula
hadlay Bosaso ayaa sheegay in
ujeedada socdaalka uu ku yimi
Bosaso ay salka ku hayso;1-U
kuurgalida
xaaladda
Nabadgalyada iyo hawlaha
Dowlada ee ka socda Bosaso.
2-Xog waraysiga qaybaha Bulshada ku dhaqan Bosaso.
3-Iyo kala warqaadashada
Wafdi ka socda Emaaraatka
Carabta.
Mudane Cabdiweli Maxamed
Cali ”Gaas” ayaa sheegay
in Wafdi ka socda Dowlada
Emaaratka Carabta uu kulan
kula qaatay Bosaso,kuwaas
oo uu kala hadlay hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha
Puntland....Eeg Bogga 2-aad
Xildhibaanada
Baarlamanka Federaalka
ee Puntland Taariikda ayaa qori
doonta.
Eeg Bogga 4-aad
Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo
ka qayb Galay
Shirka Xiriirinta Hay’adaha iyo
Hirgalinta
Cashuuraha
Eeg Bogga 4 Xild-
Ku xayaysiiso Bocshiradaada wargayska
Sanaag Post
Wasiirkii hore ee Waxbarshada Puntland Juxaa “Dowlada
hadii aynaan la shaqayn wan
dowlad beeleynaa”
W
asiirkii hore ee
waxbarashada
Dawladda Puntland
Cabdi Faarax Juxaa
ayaa sheegay in Puntland ay tahay Hooyo
marti galisay Kumanaan
Soomaali ah,ayna ku
baraareen,kuna Barwaaqoobeen umada
reer Puntland iyo Guud
ahaan Soomaali.
Xildhibaano ka
tirsan Dowlada
Federaalka oo
hogaaminayay
Bannaanbaxa
ka dhan ah Xassan sheikh oo
ka dhacay dalka
Maraykanka
Eeg Bogga 5-aad
Eeg Bogga 2-aad
Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade
oo Sideed sano ka dib,dib ugu soo
noqday Dhulkiisa iyo Dadkiisa
Cisbitaal loogu
Magac daray Saado Cali
Warsame oo la
Dhagax dhigay
degmad Buuhoodle ee xarunta
Gobolka Cayn
Eeg Bogga 3-aad
Awooda Maalqabeenada Yuhuuda & Siyaasada
Dowlada Maraykanka.
Wararkii Cayaaraha ugu Dameyay
Eeg Bogga 6-aad
Eeg Bogga 7-aad
Sanaag Post Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso,TELL:7644474,EMAIL:[email protected], WWW,Sanaagpost.com
2
SANAAG POST NEWS PAPER
Khamiis 14 August 2014
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Safar shaqo ku tagay
magaala Ganacsiga Puntland ee Bosaso.
M
adaxweynaha Dowlada Puntland Dr.
Cabdiweli Maxamed
Cali ”Gaas” oo Saxaafada kula
hadlay Bosaso ayaa sheegay
in ujeedada socdaalka uu ku
yimi Bosaso ay salka ku hayso;1-Ukuurgalida
xaaladda
Nabadgalyada iyo hawlaha
Dowlada ee ka socda Bosaso.
2-Xog waraysiga qaybaha
Bulshada ku dhaqan Bosaso.
3-Iyo kala warqaadashada
Wafdi ka socda Emaaraatka
Carabta.
Mudane Cabdiweli Maxamed
Cali ”Gaas” ayaa sheegay
in Wafdi ka socda Dowlada
Emaaratka Carabta uu kulan
kula qaatay Bosaso,kuwaas
oo uu kala hadlay hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha
Puntland.
Wafdiga uu la kulmay
Madaxweynaha
Puntland
ayaa waxa hogaaminayay
Safiirka Eamaaratka u fadhiya Soomaliya Maxamed AlCusmaani.
‘’Ujeedada ugu way nee ay
u yimaadeen Wafdigu waxay
ahayd Dekeda Bosaso,Dekeda
in
la
balaariyo,waxbadan
laga badalo qaabka hadda
ay tahay,in qalabkeeda wax
badan lagu soo kordhiyo,in
Dekedu ay noqoto Dekad la
tartami karta Dekadaha kale
ee Soomaaliya illaa xadna
ka Casrisan ayaa qorshaha
noogu jirta’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Wuxuu intaas ku daray in
Dowlada Puntland ay ka go’an
tahay hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha,si buu yiri
Puntland ay uga badalnaanto sidii ay ahayd 15-kii sano
ee tagay,wuxuu sheegay in
Puntland ay yeelan doonto
Garoon Caalami ah oo ay soo
caga dhigtaan Diyaarado waawayn.
Madaxweynaha
Dowlada
Puntland ayaa sheegay in
Dowlada Emaaratka Carabta ay Puntland ka caawini
doonto
dhismayaasha
Dekedaha,taasi oo qayb ka ah
Siyaasada hormarinta Dowlada Cabdiweli Maxmaed Cali.
Puntland iyo Federaalka.
Dhanka kale Madaxweynaha
Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’’
ayaa sheegay in Beesha
Caalamku ay wado talaabo ay
ku dhexdhexaadinayso Dowlada Puntland iyo Federaalka.
‘’Waxaan
maqlayay
dad
Mas’uuliyiin ah oo si aan Laaqi
ahayn uga hadlayay Idaacadaha iyo Telefishanada,laakiin
annaga Mawqifkayagu wuxuu
ku dhisan yahay Soomaali oo
Federaal ah,Soomaali oo ku
dhaqanta Dastuurka’’Ayuu yiri
Madaxweynaha Puntland
Wuxuu
intaas
ku
daray‘’Dastuurku waa heshiis
Ladnaan,Dowlad
16-sano jirsatay
oo Gaamurtay,oo
Soomaali
inteeda
kale
ay
Cawryayso,oo
manta Soomaali
Hormuud
u
ah
ayaan
haysanaa,waxaa
ina horyaala Caqabado waawayn oo
ay ka mid tahay;Amaanka oo nooga imanaya meelo
badan,oo aan u baahanahay
marnaba inaanan diirada ka
qaadin,waxaa na haysta mid
dhaqaale,waxaa-na
haysta
mid loo baahan yahay in la
Mideeyo Bulshada,waxaa na
haysta kuwo Siyaasadeed,oo
ah
kuwa
nooga
imanaya
Dowlada
Federaalka
Soomaaliya’’Ayuu yiri Cabdi
Faarx Juxaa oo intaas ku daray……‘’Haddii waxaas ay yaalaan waxaa loo baahan yahay
in dadku aysan ka dhumin
meesha loo socdo,waxaa loo
baahan yahay in Dowladnimada iyo kala dambayntu ay
shaqayso,cidii rabta Siyaasad
ahaan Dowlada inay wax uga
sheegto waa inay uso martaa
Dariiq Siyaasadeed oo xilligeeda lagu aadiyay,waxaan loo
baahnayn in Dowladni,mada
ay noqoto Mindi Mindi ku
taag’’.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayaa Qaybaha Bulshada ku booriyay
inay la sahqeeyaan Dowlada
Puntland,ayna gartaan danta
guud iyo halka loo socdo.
Wuxuu intaas ku daray
‘’Wixii maalin dhoweyt ka
dhacay Garowe ee la xiriiray
Tv-ga iyo Radiyaha Puntland
waxay ahayd wax xun,waxay
ahayd wax inoo gaystay
dhaawac muddo inaku ooli
doona,waxaan oran karaa
Caasimada Puntland waa la
Kufsaday,waxay ahayd wax
dhaawac wayn u gaystay
Magacii,sharafrii iyo Hay’badii
aan ku faanaynay’’.
Muane Juxaa ayaa hoosta ka
Bulsho oo la samaystay,isaga
marka in la jabiyo ama la
Rifo ama wax laga badalo
iyadoo cidii dhigatay aysan
u dhamayn waa Mas’uuliyad
daro iyo meel ka dhac,waxaan
rabnaa in wax kasta oo la dhisayo in lagu saleeyo Dastuurka la wada samaystay’’.
Dr. Gaas ayaa sheegay in
haddii Dowlada Muqdisho
ay samayn waydo isbadal
Siyaasadeed,in Puntland ay
qaadayso talaabada xigta
‘’Mawqifka Puntland waa
cad
yahay,hadana
haddii isbadal ka iman waayo
dhankaas waxay noqonaysaa
in talaabada ku xigta ay Xukuumaddu
qaadato,laakiin
marnaba gorgortan laga gali
maayo jiritaanka Puntland iyo
waxkasta oo wax u dhimaya
Midnimadeeda iyo Saaxada
Dhulka ay ku fadhido’’Ayuu
yiri Dr. Gaas.
Madaxweynaha
Puntland
ayaa sheegay in Puntland aysan Dhulkeeda cidna marti uga
ahayn,wuxuuna iswaydiiyay
waxa loola jeedo maamulka
Mudug iyo Galagaduud.
Si kastaba ha ahate,Dowlada
Federaalka ayaa u muuqata
inay
ku
fashilantay
Midnimada,wada jirka umada
iyo dib u yagleelida Qarankii
burburay 23-sano ka hor.
Wasiirkii hore ee Waxbarshada Puntland Juxaa ‘’Dowlada hadii aynaan
la shaqqayn waan Dowlad Beelaynaa,haddii aynu Dowlad beelnana waa
jiritaan Beelaynaa’’
W
asiirkii hore ee waxbarashada Dawladda Puntland Cabdi
Faarax Juxaa ayaa sheegay in
Puntland ay tahay Hooyo marti galisay Kumanaan Soomaali
ah,ayna ku baraareen,kuna
Barwaaqoobeen umada reer
Puntland iyo Guud ahaan
Soomaali.
Mudane Juxaa ayaa sheegay Cambaareeyay talaabadii
Kooxo Hubaysan ay ku qabsadeen Telefishanka iyo Radiyaha Dowlada Puntland.
‘’Maanta waxaa la haystaa
xariiqay in Arrinta ka dhacday
Caasimada Puntland
ay ahayd sharaf daro,hoos
un
dhigaysa
Maqaanka
Caasimada,wuxuuna codsaday in arrintan oo kale aysan
dib uso noqon.
‘’Marnaba wax la aqbalo karo
ma aha wax Dowladnimada
ku wannaagsan ma aha,in
arrintu Mindi Mindi ku taag
noqoto,haddii Mindi Mindi ku
taag ay arrintu noqoto Nidamka Dowladnimo ayaa meesha
ka
baxaya,dhamaanteena
waan
khasaaraynaa,waxaa
loo baahan yahay in Caqligu
uu shaqeeyo’’Ayuu yiri.
Juxaa ayaa sheegay in haddii dadweynuhu aysan la
shaqyn Dowlada,ay Dowlad
Beelayaan,haddii buu yiri la
Dowlad Beelana la jiritaan
Beelayo.
Wasiirka ayaa qayb ka noqonaya Isimada,Waxgaradka
,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta
iyo qaybaha kale ee Bulshada
ee cambaareeyay talaabadas.
Khamiis 14 August 2014
Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo Sideed sano
ka dib,dib ugu soo noqday Dhulkiisa,Dadkiisa iyo
Dowladiisa.
S
iyaasi Axmed Cabdi
Xaabsade oo ka mid
ah Siyaasiyiinta ugu
Miisaanka wayn Beelweynta Dhulbahante ayaa Sideed
sano ka dib,dib ugu laabtay
dalkiisa,waxaana uu dib ula
Midoobay shacabkiisa reer
Puntland.
Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowlada Puntland iyo
qaybaha Bulshada ayaa Mudane Xaabsade kaga hortagay
deegaanka Laacdheere ee Duleedka magaalada Garowe ee
Caasimada Puntland.
Mudane Xaabsade oo loo soo
galbiyay Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa la kulmay
Madaxweynaha Puntland Dr.
Cabdiweli Maxamed Cali,oo si
Kal iyo Laab ah uso dhoweeyay Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade.
Madaxweynaha
Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali ayaa sheegay
inuu aad ugu faraxsan yahay in Siyaasi Xaabsade uu
dib ugu soo noqdo Gurigiisa
Hooyo,deegaankaa
dhabta
ah iyo Hogiisa Runta ah,kaasi
oo uu sheegay inuusan cidna
marti uga ahayn.
‘’Axmed waa Oday nagu soo
biiray,taladiisa,Aqoontiisa,K
hibradiisa Siyaasadeed intaba wannaag bay u tahay
Puntland,waxaan
rajaynayaa in Midnimada Puntland oo
Siyaasada Dowlada Kow ka
ahayd in isaga iyo Odayaashii kale ee noo yimi ay u yihiin Bud-dhigayaashii Runta
ahaa ee isu-soo celinta,waana
ku faraxsanahay imaatinkiisa’’
Ayuu
yiri
Madaxweynaha
Puntland,Mudane
Xaabsade
oo la hadlay Saxaafadda ayaa
sheegay inuu Aad baan ugu
faraxsanahay inuu dib ugu soo
noqdo Puntland,oo uu sheegay
inuu Aas-aaskeeda wax ugu
lahaa,haatana uu doonayo dib
wax uga dhiso.
‘’Madaxweynaha
iyo
Madaxweyne
ku
xigeenka
ayaa iga codsaday inaan u
imaado,oo aan la shaqeeyo
waxaaan
laso
shaqeeyay
Soomaaliland,waxaana hadda
ka jeclaaday inaan la shaqeeyo
tayda asliga ahayd aan wax ka
qabto,dhibaato ma jirto Gurigayga ayaan imi,Xafiiskayga
ayaan imi,dadkayagii baan u
imi,aad baan ugu faraxsanahay inaan u imaado dadkayga
oo aan Hamuum u qabo’’Ayuu
Amisom oo Diyaarisay qorshe lagu
qabanayo Jubada Dhexe
T
aliska Ciidanka Midowga
Afrika ee Somaliya ayaa
sheegay inay diyaariyeen qorshe Kooxda Shabaab
loogala wareegayo degmooyinka hoostaga Gobolka Jubada
Dhexe,oo ay ku xoogan yihiin
Shabaab.
Afhayeenka
Ciidamada
Amisom Korneyl Cali Aadan
Xumad ayaa sheegay in hawlgalkoodu uu diirada saarayo
Gobolka Jubada Dhexe,si buu
yiri loo gaaro yoolka Amisom
ay ku doonayso inay Shabaab
kaga sifayso Gobolka Jubada
Dhexe.
Hadalkan
ayuu
ka
shee-
3
SANAAG POST NEWS PAPER
yiri Axmed Cabdi Xaabsade.
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali
Ciid ayaa sheegayu in Axmed Cabdi Xaabsade uu
ahaa Guddoomiyaha Guddiga
qabanqaabada
dhismaha Dowlada Puntland,ee
qaangaartay,wuxuu
seegay
in Xaabsade uu awoodo inuu
Laascaanood dib ugu soo celiyo gacanta Dowlada Puntland.
‘’Xaabsade nin Puntland soo
celin kara wuu yahay,dib baan
uga hawlgalayaa oo si daacada uga hawlgalaayaa buu shalay sheegay,waa nin shaqayn
kara oo wax qaban kara’’Ayuu
yiri Mudane Ciid.
Dhanka kale Siyaasi Axmed
Cabdi Xaabsade ayaa qado
sharaf u sameeyay Saraakiil katirsan Madaxtooyada dowladda
Puntland,Xildhibaano,Saraakiil
ciidan,waxgarad,aqoonyahano
iyo marti sharaf kale,wuxuuna
Qadada kadib uu dhamaanba dadkii ka qayb qaatay soo
dhaweyntiisa uga mahadceliyay sida diiran ee ay ugu soo
dhoweeyen Garowe,isagoona
sheegay in Puntland ay tahay
Hoygiisi,shacabka iyo dowladana wuxuu ugu baaqay inay
ka shaqeeyaan Midnimada iyo
wadajirka Puntland.
Dhowaan ayay ahayd markii
Isimo Miisaan ku leh Beelweynta Dhulbahante ay soo
gaareen Puntland,kuwaas oo
ay ka go’an tahay Midnimada iyo wada jirka umada reer
Puntland,waxaana
Dowlada
Puntland ay wadaa talaabada
ay dib ugu Midaynayso Beelweynta Dhulbahante,si dib
loogu soo celiyo Dhulka Puntland ay gacanta ay ku hayso
Soomaaliland.
Inkasta oo maamulka Jubbaland uu gaaray hormar
balaaran,hadana waxaa horgay xilli uu warayso gaar markiisa qayb ka qaadanaya
ah siinayay Wargeyska The inuu ka arrimiyo guud ahaan
Standard,waxaana uu Waray- Dhulka Jubbaland.
sigiisa ku sheegay in Amisom
Qaybo ka mid ah Gobolada
ay ka go’an tahay dib uso Koonfureed ayaa waxaa gacelinta nabada Soomaaliya.
canta ku haya Ciidamada
Taliska Amisom ayaa aamin- Amisom,kuwaas oo kala waUrurka
Shabab,ka
san in talaabadani ay hors- reegay
dib
markii
ay
ku
Dulaan
eedayso in laga gudbo xaalaUrurka
da cakiran ee ka jirta dalka guulaystay,waxana
Shabaab ayaa inta badan hada
Soomaaliya
gaysta Weeraro ku Dhufo oo
Dhanka kale Maamulka Jub- ka dhaqaaq ah.
baland ayaa horay u balanSi kastaba ha ahate,Arrintan
qaaday inay la wareegayaan
ayaa
imanaysa xilli ururka
guud ahaan Dhulka ka maqan
gacantooda,si Maamulku uu u Shabaab ay gacanta ku haygaaro inta dhiman Gobolada aan degmooyin kooban oo ku
yaala Koonfurta Soomaaliya
Jubbooyinka iyo Gedo,
Cisbitaal loogu
Magac daray Saado Cali
Warsame oo la
Dhagax ....
M
unaasabad
lagu
dhagax dhigay Cisbitaal loogu magacdaray ALLA unaxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame
ayaa ka dhacday degmada Buuhoodle ee Gobolka
Cayn,waxaana Munaasabada
ka qayb galay qaybaha Bulshada eek u dhaqan Gobolka.
Cisbitaalkaan oo lagu daryeeli
doono Carruurta iyo haweenka
ayaa Bulshada dhagax dhigay
ay sheegeen inay Xusuus uga
dhigidoonaan Halyay Saado
Cali Warsame.
Xaaji Maxamed Xaaji Cumar
Camey oo hurmuud u ah Gudiga dhismaha isbitaalka ayaa
ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka qyab qaataan
dhismaha Cisbitaalka.
‘’Waxaan
ugu
yeeraynaa
dadka Soomaaliyeed inay nagala qayb qaataan Cisbitaalka aan u dhisayno Xusuusta Saado Cali,oo lagu dilay
Xaq daro,Cisbitaalka ayaa
noqonaya kan Carruurta iyo
Dumarka’’Ayuu
yiri
Xaaji
Maxamed.
Caaqil Cabdullaahi
Xasan
Qambi oo ka mid ah Waxgaradka degmada Buuhoodle
ayaa sheegay in Taariikhdu ay
xusi doonto Marxuum Saado
Cali Warsame.
Wuxuu
intaas
ku
daray‘’Saado
manta
uma
baahna Aqoonsi,gacan ka Xaq
daran baa dishay ALLA ha u
naxariisto,Taariikhda
Saado
ka caan Adduunyada,waxaanu
rabnaa meeshaa ku magacaaban ee dadku uu Nacfi
ka helayo,waxaan u baahanahay in Deg Deg wax looga
qabto,inaysan nagu raagin
ayaa loo baahan yahay,dal iyo
dibad cidkasta oo gacan ka
gaysan karaysaa waa inay Deg
Deg wax uga qabataa’’.
EEBE unaxariistee Saado Cali
Warsame ayaa dhammaadkii bishii Barakaysnayd ee
Ramadaan ay Kooxo Hubaysan ku toogteen magaalada
Muqdisho,dharaar cab,mana
jirto cid illaa iyo hadda loo soo
qabtay dilka Marxuum Saado
Cali Warsame.
Si kastaba ha ahate.Dowladda Puntland ayaa ka dalbaday
dowladda federalka Soomaaliya inay jawaab ka keento cidii
ka dambeysay dilka xildhibaan
Saado Cali.
SANAAG POST NEWS PAPER
Khamiis 14 Augost 2014
4
Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka ee Puntland Taariikda ayaa
qori doonta.
X
ildhibaanada
Baarlamanka Federaalka ee
ugu jira Puntland,ayaa
si wadaniyadi ku dheehan
tahay u aqbalay Fariinta uga
timi Madaxweynaha Dowlada
Puntland Dr. Gaas,kuwaas oo
si isdaba joog ah uso gaaray
Puintland.
Wafdi Xildhibaano ah oo uu
hogaaminayay
Xildhibaan
Maxamed
Xusseen
Nuur
Xagaafe ayaa soo gaaray
Puntland,kuwaas oo daba joogay Xildhibaano kale ee uu
hogaaminayay Xassan Abshir
Faarax oo iyana yi8mi Puntland.
Maamulka
degmada
Gaalkacyo,maamulka Gobolka Mudug,qayabha Bulshada
iyo Xubno ka tirsan Golaha
Xukuumadda
ayaa
Xildhibaanada kuso dhoweeyay
Garoonka Gaalkacyo,oo ay
kaso dageen.
Duqa degmada Gaalkacyo
Cabdicasiis Jaamac Nugaal
ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay yimaden Dhulkooda Hooyo,ayna si wayn uso
dhoweynayaan.
Wasiirka
arrimaha
Gudaha Puntland Axmed Cilmi
Cismaan ‘’Karaash’’ oo ka
mid ahaa Mas’uuliyiinta soo
dhoweeyay
Xildhibaanada ayaa sheegay in shirka
Muqdisho ka dhacay uu ahaa
mid lagu doonayay in lagu
burburiyo jiritaanka Puntland.
‘’Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaanada kuso noqdan Dhulkooda Hooyo,oo soo
ajiibay codsigii aan ka codsanay inay dalkooda Hooyo
kuso noqdaan,si looga wada
tashado arrimihii ka dhacay Xamar,arrinkaas oo reer
Puntland ay aad iyo aad
uga Caroodeen,baaqa aad
soo ajiibteen waan idin ka
mahadcelinaynaa’’Ayuu
yiri
Amed Karaash.
Wuxuu
intaas
ku
daray‘’Baaqu wuxuu ahaa
mid ay reer Puntland u wada
dhan tahay,iayagaa ku maray
Madaxweynaha waayo waa
Mas’uuliyada uu u hayo dadka
inuu baaqaas sameeyo,waana
mid lagu wada raacsan yahay
dhamaan Dowlad iyo Bulsho’’.
Mudane Karaash ayaa sheegay in dadweyanaha reer
Puntland ay Naf iyo Maal u hureen dib u hanashada Qaran
Soomaaliyeed.
‘’Heshiisyada noocaas ah waa
kuday,ku dayna ma qaadan
karno,runtii heshiiska waan
akhriyay Mas’uuliyiin ma gaarin waa ereyadii ay ku hadli
jireen Axmed Diiriye iyo Xaad
ayaan hadaladoodii ayaan
xasuustay,marka waxaan is iri
laha iyagaa meesha fadhiyay
oo heshiiska qoray’’Ayuu yiri.
Xildhibaan Maxamed Xusseen Nuur Xagaafe oo ka mid
ahaa Xildhibaanada la hadlay
dadweynaha ayaa socdaalkoodu uu yimi ka dib Fariintii uga
timi Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali ‘’Gaas’’.
Wuxuu intaas ku daray
‘’Waxaan aad uga mahadcelinaynaa soo dhoweynta
aad noo samayseen,waxaan
ku nimi baaqii kaso yeeray
Dowlada Puntland eek u aadanaa in Golayaahsa Federaalka wixii ugu jira Puntland ay
yimaadan,waxaan u nimi in
arrimaha jira sidii looga tashan
lahaa,Calaamada
Puntland
waxay u taagan tahay Midnimada
Soomaaliya,cidna
inakama leh Dowlada Federaalka’’.
Si kastaba ha ahate,dowlada
Federaalka Soomaaliya ayaa
ku hawlan burburinta jiritaanka Puntland.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb Galay Shirka Xiriirinta Hay’adaha iyo Hirgalinta Cashuuraha oo ka dhacay Garoowe.
M
a d a x w a y n a h a
Dowladda
Puntland
Dr.Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas ayaa ka
qeyb galay shir balaaran
oo looga hadlayay xiriirinta
hay’addaha iyo bixinta canshuurta oo qaban qaabadiisa
iska kaashadeen Wasaaradaha
Maaliyada iyo Qorshaynta ee
dowladda Puntland.
Shirkaan oo ku qabsoomay
xarunta jaamacadda PSU ee
magaalada Garowe ayaa lagu
casuumay 50 hay’addood oo
44 ka mid ah ay yihiin kuwo
Caalamiga ah ee ka howlgala
Gudaha Puntland, halka lixda
kalena ay yihiin ururada maxaliga ah.
aan dadka ku dhiiri galinaynaa
inay nala qaataan qorshahaan
cusub ee aan hirgalinay,” ayuu
yiri Shirre oo intaas kusii daray
inay xafiis cusub ka furidoonaan wasaaradda qorshaynta
kaas oo hay’addaha ufudadayndoono arimaha canshuuraha
la xiriira.
Madaxwaynaha
Dowladda
Puntland
Dr.Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer kajeediyay Madasha
ayaa sheegay in Waajib tahay
bixinta Cashuuraha isagoona
ugu baaqay Hay’addaha dalka
in sida ugu dhakhsiyaha badan
ay u hirgaliyaan in ay bixiyaan
Cashuurta ku waajibtay.
ta ‘’Ayuu hadalka Raaciyay
Madaxwayne
Dr.Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas.
Madaxwaynaha
Dowladda
Puntland
Dr.Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo
kale tilmaamay in Dowladda
Waajib ay ku tahay Cashuurta ay dadka ka qaado in sicad
ugu celiso Dalka iyo Dadkaba
si horumar wanaagsan loo
gaaro.
‘’Hal suurtagal maahan mana
yeelayno in qofka askariga
ah ee Dowladda u shaqeeya
ee Qaata 70-dolar waa la
cashuuraya oo cashuur baa
laga qaadaya laakiin nin u
shaqeeya Hay’add oo qaadanaya 2000-doolar lama
’Majiro aduunka wadan aan Cashuurayo isku xaquuq bayWasiirka maaliyadda dowlad- Canshuur labixin hadana dow- na noqonayan mashaqaynayda Puntland Shirre Xaaji Fa- ladanimo ka shaqayso,bilowga so haday horay idinku hirgaarax ayaa shirka kusoo xeer- iyo dhamaadka Dowladnima- shay hada iska ilaawa’’Ayuu
ka canshuuraha Puntland oo du waa bixinta Cashuuraha yiri Madaxwayne Gaas.
ay meel mariyeen labada gole ‘’Sidaasi waxaa yiri Mdaxee xukuumada , Wuxuuna wayne
Mudane
Cabdiwali
‘’In aad tiraahdaan qancadeeyay dowladda Puntland Maxamed Cali Gaas.
daraaska aanu anagu bixiinay ka go’an tahay hirgalinno Cashuuri kuma waajibto
ta sharuucda canshuuraha oo
‘’Hadii
aan
Cashuurta lagaa akhrisan maayo,kuwa
aan dib looga laaban doonin.
la bixin majirayo Nidaam cadaanka ah ee wadanka
“ Ma dhacayso in hadda kadib dowliya,amnina
majira jooga Cashuurta ay aniga
la yiraahdo waxaa isku cans- dalkuna ma yeelanayo kala ii diidan bay wadankooda
huur ah qof qaata $2.000 iyo dambeyn,sidaa la adligeed siinayaan,halkaana dakhliga
qof ku shaqeeya $70. Wax- waa in labixiyaa cashuur- ka samaysay kama aadan sa-
mayna wadanka aad katimid
waa dhaqaale loogu talagalay Puntland iyo Soomaliya
‘’Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.
Madaxweyne Gaas wuxuuu
sheegay hay’addii aan diyaar
u ahayn inay canshuurta bixiso waa inay qorshaheeda kula
laabato meelihii ay ka timid.
Wakiilada
ka
socday
hay’addaha caalamiga ah iyo
kuwo Maxaliga ah ee shirka
ka hadlay aya soo dhaweeyay baaqa dowladda Puntland
ee ku saabsan in canshuurta
la bixiyo iyagoo dhinaca kale
dowladda ka codsaday in nidaam lagu kalsoonyahay loo
sameeyo habka canshuurta
loo qaadayo islamarkaana
dadka canshuurta laga qaadayo loo tago oo lagu qanciyo
in wax laga qaadayo ay yihiin
wax dalka loogu adeegayo.
Xeerka cusub ee canshuuraha ayaa si rasmi ah loo
dhaqan galindoonaa bishaan
soo socota ee september, iyadoo wasaaradda maaliyadu
codsatay in lagu dadaalo sidii
canshuurta qaadista kor loogu
qaadi lahaa si dalka loo hormariyo.
Khamiis 14 August 2014
SANAAG POST NEWS PAPER
Xildhibaano ka tirsan Dowlada
Federaalka oo hogaaminayay
Bannaanbaxa ka dhan ah Xassan
sheikh oo ka dhacay dalka
Ma raykanka
X
ildhibaan Ibraahim Xaaji
Suleebaan ‘’Ilkacase’’ iyo
Dr. Cabdicasiis Sheekh
Yuusuf oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa hogaaminayay Bannaanbax ka dhan Madaxweyne
Xassan Sheekh Maxamuud oo
ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Bannaanbaxa ayaa waxaa
ka qayb galay dadweyne u
fara badan,kuwaas oo watay
boorar ay ku xardhan yihiin
halkudhigyo muujinaya fashilka Siyaasadeed ee Dowlada
Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh
Yuusuf ayaa sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay Xaq
u leeyihiin inay muujiyaan
rabitaankooda.
‘’Madaxweynuhu
ha
u
qaato
bannaanbaxa mid lagu saxayo,waa
inuu
shacabka
ra’yigiisa
dhagaystaa,Madaxweynuhu
waxa shacabku doonayaan
haddii uusan doonayn uma
malaynayo inuu Kursiga sii
joogi doono’’Ayuu yiri Xildhibaan Cabdicasiis.
Ibraahim
Xaaji
Suleebaan
Ilkacase oo ka mid ahaa
Mas’uuliyiintii ka hadlay Bannaanbaxa ayaa sheegay in
Bannaanbaxu uu yahay mid
muujinaya xaqiiqda jirta,xilli
buu yiri ay Dowlada Federaalku ku fashilantay hawlaha
loo igmaday.
Madaxweynaha
Soomaaliya
ayaan
haysan
taageerada
umada Soomaaliya,waxaana
uu hareermaray ku dhaqanka
Dastuurka dalka oo ah heshiis
Bulsho.
Xassan Sheekh ayaa lumiyay
taageerada
Dowlada
Puntland,maadama dhowaan
Dowlada Puntland ay xiriirka u jartay Federaalka,ka
dib markii Federaalku ay isku
dayeen inay khalkhal galiyaan
jiritaanka umada reer Puntland.
Waa
Bannaanbaxii
labaad ee ka dhan ah Xassan Sheekh ee ka dhaca dalka Maraykanka,waxaana uu
kuso beegmaya xilli amaanka Muqdisho uu faraha ka
baxay,Dowladuna
ay
ku
fashilantay wax qabashada
amaanka Muqdisho.
Aaskar tiradoodu ay gaarayso
500 oo ka tirsan Maamulka
Jubbaland ayaa tababar ugu
soo gabagaboobay degmada
Dhoobley ee Gobolka Jubbada
Hoose.
Maxamuud Khaalid oo ka tirsan
Madaxda sare ee Jubbaland
ayaa sheegay in tababarka kor
loogu qaadayay tayada Ciidanka Jubbaland,si buu yiri ay gacanta ugu dhigaan degmooyinka ururka Shabaab ay ka
joogaan Dhulka Jubbaland.
Wuxuu intaas ku daray in hawl-
galka ka dhan Shabaab uu
dhowaan bilaaban doono,wixii
waqtigaasi ka dambeeyan ay
balaaran doonaan Dhulka Jubbaland uu ka arrimiyo.
Maxamuud Khaalid ayaa Ciidamada ku booriyay inay si
hufan u gutaan waajibaadka
shaqo ee horyaala,taasi oo uu
sheegay in guud ahaan dadweynuhu ay ka warsugayaan.
Tababarkaan ayaa imanaya
xili taliska cidamada Amisom
ay sheegen in gaarey xiligi lasoo Afjarilahaa Alshabaab.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo tababar ugu soo gabagabeeyay
5
Awooda Maalqabeenada Yuhuuda
& Siyaasada Dowlada Maraykanka.
S
heldon Adelson oo ah
80 sano jir ayaa shirkado badan oo Shirkadaha Khamaarka iyo Hotelo
badan ku leh Maraykanka
gaar ahaan magaalada Las
Vegas, waana nin si weyn
ugu ololeeya Isra’iil, saameyn
weyna ku dhexleh siyaasada
Maraykanka maadaama uu
maalgeliyo in badan oo kamid
ah murashaxiinta u tartamaha
xilalka Baarlamaanka iyo waliba xilka Madaxweynaha.
Sheldon Adelson oo lagu tilmaamo ninka 8aad ee ugu
dhaqaalaha badan dunnida,
ayaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasaa $39.9 Bilyan oo dollar.
Wuxuuna Ninkan iyo Xaaskiisa
doorashadii 2012kii ee Madaxweynaha ku bixiyeen lacag
dhan $93 milyan oo dollar!
Sheldon Adelson ayaa todobaadkan Hotelkiisa iyo goobta
khamaar(Venetian) ee uu ku
leeyahay magaalada Las Vegas ku casumay murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee u
taagan xilka Madaxweynaha
doorashada soo socota oo
ay ku jiraan dhowr Barasaab
(Governors) gobalada New
Jersey, Ohio iyo Wisconsin oo
ah ragga sida weyn u taageera
Isra’iil.
Governorka New Jersey
Kulanka dhowaan ay isugu
yimaadeen
Maalqabeenada
Yuhuuda ah ee awooda kuleh
Maraykanka iyo siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa
waxaa la yaab noqotay markii
Guddoomiyaha/Barasaabka
gobalka New Jersey Governor
Chris Christie uu raalin gelin
siiyey maalqabeenka Sheldon
Adelson.
Arrintan ayaa ka danbeysay
kadib markii maalqabeenada
Yuhuuda oo uu ugu horeeyo
Sheldon Adelson ay ka caroodeen khudbad uu Governorka
New Jersey dhawaan jeediyey oo uu uga hadlay safar uu
ku tagay dhulka la heysto ee
Falastiin.
Chris ayaa khudbadiisaas ku
sheegay in sanadkii 2012kii uu
booqday “..Dhulka la heysto
(Falastiin)”.
Maalqabeenada
yuhuuda ah ee uu hogaamiyo Sheldon Adelson ayaa ka
xanaaqay erayga ah (Dhulka
La heysto), arrintaasi oo uu
raali gelin ka bixiyey governor
Chris.
Maxkamada sare
Maxkamada Sare ee dalka
W/Q Khalid Yusuf
Maraykanka ayaa (shalay) 2dii
bisha April 2014, go’aan muhiim kasoo saartay dood in muddo ah soo socotay oo ku aadan
xakameynta
dhaqaalaha
badan oo ay maalqabeenada
iyo shirkadaha waaweyn ee
Maraykanka ku bixiyaan murashaxiinta
Madaxweynaha
iyo waliba Xildhibaanada.
Murashaxiinta u tartamaha xilka Madaxweynaha iyo
Baarlamaanka
Maraykanka
ayaa
xiliyada
doorashada
dalkaasi dhaqaalo badan ka
hela shirkado kala duwan iyo
Maalqabeeno awood badan
kuleh dalkaasi Maraykanka.
Ururada u dooda xaquuqda shacabka ayaa in badan
oo kamid ah u ololeenayeen
in la xakameeyo awooda ay
maalqabeenada Maraykanka
ku leeyihiin siyaasiyiinta xilalka muhiimka ah u tartama.
Hase yeeshee maxkamada sare ee Maraykanka oo
ka kooban 9 xaakim ayaa si
weyn arrintan isugu khilaafay, iyadoo 5 kamid ah Xaakimyada maxkamada sare oo
u jeen jeera dhinaca midig
ay fasaxeen inaan la xakameyn karin dhaqaalaha maalqabeenada ku maalgeliyaan siyaasiyiinta, halka 4 Xaakim oo
dhanka bidix u jeen jeera ay
taageereen in la xakameeyo
awooda maalqabeenada iyo
shirkadaha waaweyn.
Micnaha ka danbeeya xakameynta dhaqaalaha shirkadaha
iyo maalqabeenada ayaa ah
in aysan noqon laaluush lagu
saameeyo siyaasada dowlada
Maraykanka.
Balse Xisbiga Jamhuuriga
ayaa isagu si weyn u taageersan in shirkadaha waaweyn
iyo maalqabeenada loo fasaxo
intay doonayaan inay dhaqaale siiyaan siyaasiyiinta.
Go’aanka shalay kasoo baxay Maxkamada Sare ee Maraykanka ee lagu fasaxay
maalqabeenada Maraykanka
inay sidii ay doonaan u maalgelin doonaan, isla markaana
laga qaadayo xakameynta
dhaqaalaha ay ku bixin karaan
ololaha doorashada ayey dad
badan walaac ka muujiyeen,
waxaana lagu tilmaamay mid
sare usii qaadeysa awooda ay
kooxda faro ku tirska ah ee
maalqabeenada Maraykanka
ee u badan Yuhuuda ay ku
leeyihiin hagida siyaasada Maraykanka.
6
SANAAG POST NEWS PAPER
Khamiis 14 August 2014
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qayb galay Daahfurka Barnaamij lagu baarayo Araga Indhaha Arday Wax-ka barata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Puntland
U
rur Gabdho ah oo wax
ka barta Jaamacada
Bariga Afrika ayaa bilaabaya Barnaamij ay ku baarayaan Araga Ardayda wax
ka barata Dugsiyada Hoose/
Dhexe ee qaar ka mid ah
degmooyinka Puntland.
Daahfurka Barnaamijka oo
ka dhacay xarunta Wasaaradda
Caafimaadka
ayaa
waxaa
ka
qayb
galay;Wasiirka
Caafimaadka
Puntland,Arday,Macalimiin iyo
Madax ka socotay Hay’ada
Caafimaadka
Adduunka
‘’WHO’’.
Deeqo Cabdisalaan Maxamed
ka mid ah Ardayda hormuudka u ah Barnaamijka ayaa
sheegtay in ujeedada Barnaamijka ay tahay in Ardayda
Waxbarata ay helaan Daryeel
caafimaad,oo dhinaca Indhaha ah,waxaana aay xustay in
Hindisahan uu ka yimi Ardayda wax kabarata Jaamacada
Bariga Afrika.
.Barnaamijka
ayaa
waxaa Ardayda ka caawinaya
Hay’ada WHO,xarunta Daweynta Indhaha ee Dr. Cabdicasiis iyo Wasaaradaha Wax-
barshada iyo Caafimaadka
Puntland,waxaana
Ardaydu
ay barista ay Indhaha ku samaynayaan ka dib ay bixinayaan Muraayadaha Indhaha.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr. Saadaq Eenow oo ka mid ahaa
Mas’uuliyiinta
ka
hadlay
goobta ayaa sheegay in Indhuhu ay yihiin xubin Muhiim u
ah qofka,kuwaas oo ka qyab
qaadata inta badan Macluumaadka uu helo Qofku.
‘’Aad baan ugu faraxsanahay in Aqoonta aad barateen inaad ugu adeegaysaan
Bulshadiina,Aqoonta oo la
qariyaa waxyaabaha Carada
ILAAHAY keena bay ka mid
tahay,qofka Aqoonta leh waa
inuu Aqoontiisa ugu adeego
dadka’’Ayuu yiri Dr. Saadi Eenow.
Wuxuu intaas ku daray‘’Aad
baan arrintaa ugu faraxsanahay una soo dhoweynayaa,in
Carruuraheena aan Adeeg u
samayno,Aabihii iyo Hooyadii garan maayan in Carruurtii Indha La’yihiin,cunigiina
waa korayaa Macluumaadka
qofka Jirkiisa galaya Boqolkiiba Sideetan indhagaa laga
helaa,haddii uu qofku indha
la’aan yahay Aqoontaas oo
dhan baa ka lumaysa’’.
Dr.
Saadiq
Eenow
ayaa
sheegay in ka hortaga Cudurku uu ka wannaasgan
yahay Daweynta,loona baahan yahay
sida Xuduudeena Juquraafi aan u illaalino
amnigooda,inaan
inaan u illaalino Xuduudeena
Caafimaad,arrintaas oo uu
sheegay inay tahay waajib
qof kasta saran.
‘’Hooyadu waa inay la
socotaa
Carruurteeda
Caafimaadkooda,Gabar waxaa la ii sheegayay 13-sano jir
ah oo Dhagool ku gaartay Saddex iyo Toban sano jir,laakiin
sababta ay Dhagool u noqotay waxay ahayd Dhukay fadhiya Dhegaheeda,ayaan daro
Saddex iyo Toban sano ka dib
ayaa Turki timi oo Dhegihii ka
saareen Dhukayga,markaas
ayaa Gabadhii Iskuul la
geeyay oo wax maqal uu u
bilowday’’Ayuu yiri Eenow.
Barnaamijka ay biulaabeen
Ardayda Jaamacada Bariga Afrika ayaa ah Barnaamij muhiim u ah Bulshada,waxayna
Go’aanka Puntlanday xiriirka ugu jartay Federaalka oo la wada taageeray.
Siyaasiyiin,Qurba joog iyo qaybaha Bulshada Puntland ayaa
si wayn u taageeray talaabada
Dowlada Puntland ay xiriirka
ugu jartay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
ah Xildhibaanadaasi waxay
matalaan Puntland’’Ayuu yiri
Xuubsireed.
Wuxuu intaas ku daray in Dastuurka Federaalka uu cadaynayo
in Maamulku uu ku yimado
rabitaanka dadweynaha,hasa
Siyaasi Xuseen Maxamed Xuub yeeshe wuxuu sheegay insireed oo ka mid ah Siyaas- uusan garanayn Macnaha ay
iyiinta Puntlad ayaa sheegay leedahay Maamulka ay sain go’aanka Madaxweynaha meeyen Madaxweynaha iyo
Dowlada Puntland uu xiriirka Ra’iisul Wasaaraha.
ugu jaray Federaalku uu yahay mid Wadiiqada saxda ah Awaale Mar uu ka hadlayay
abaarsan,ka dib markii Feder- hadal kaso yeeray Qabqable
aalku ay isku dayeen inay bur- Cabdi Xassan Cawaale Qayburiyaan Puntland.
bdiid ayaa wuxuu yiri‘’Dalku
inu Federaal yeesho waa wax
‘’Cabdiweli
wax
badan wannaagsan,hadalka
Caboo
tanaasulaada
ayuu diqaybdiid ee ah ‘’Fad ama hasameeyay,qaabkii
Cab- fadin waa lagu fadsiin’’,wuxuu
diraxmaan
Sheekh
Max- iila muuqanaya hadal fawdo
amuud qaabka ka badalan iyo dagaal,maamulku hadduu
ayuu u tanaasulay,hadana yahay Maamul xalaal ah dadka
Federaalka
wax
isbada- deegaanka ayaa looga baahan
la
kama
iman,Cabdiweli yahay inuu rabitaankiisa ku
Gaas go’aankan inuu qa- yimaado’’
ato waxaa keentay wada Mudane Xuubsireed ayaa ka
tashi la’aan ka timi dhinaca codsaday shacabka Puntland
Federaalka,Xildhibaanada uu inay Madaxweynaha ku garab
hadda u yeeray annugu in lo istaagan go’aankiisa,kaasi oo
yeero waan qabay sababtoo lagu badbaadinayo jiritaanka
Puntland.
Dhanka kale Jaaliyadaha
Puntland,isimada iyo qaybaha
Bulshada
ayaa
taageeray
go’aanka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.
Gudoomiya Jaalliyada Puntland ee Finland Eng.Ibrahim
Xasan Caynab ayaa sheegay
in gaf iyo meel kadhac loo
gaystay dhulka iyo shacabka
Puntland,isla markaana faragalin iyo xadgudub aan geed
loogu soo gaban lagu sameeyay gobalka Mudug oo ka tirsan
dawalada Puntland.
‘’ Haddaba haddaanahay jaalliyada Puntland ee Finland
waxaan
ugu
baaqaaynaa
dawlada federalka ee somomaaliyeed iyo madaxawane
Xasan Sheekh inay ka waantoobaan raaligalin buuxda
oo deg deg ahna ay ka bixiyaan go-aankaas khaladan
oo aan ku salaysnayn dastuurka federalaka iyo kan Puntland midna,waxaan kaloo ugu
baaqaaynaa maamulka galmudug ee anu deriska nahay
inaysan ku kadsoomin go’aano
si khaladan loo gaaray oo wax
u dhimaya nabada iyo deriswanaaga ay mudo dheer
ku wada noolaayeen shacabka reer Puntland iyo kan
galmudug’’Ayuu yiri.
Jaalliyadda
Punland
ayaa
amaan iyo
bogaadin usoo
jeedinaysaa
xildhibaanadii
reer Puntland ee uu horkacaayey mudane Xasan Abshir
Faarax go-aankii geesinmida
lahaa ee ay qaateen ka dib
makii ay u hogaansameen amarkii madaxwaynahooda Dr.
Cabdiwel Maxamed Cali Gaas.
Sanaag Post News Paper
ku xayasiiso Ganacsigaaga
Khamiis 14 August 2014
7
SANAAG POST NEWS PAPER
Bogga Wararkii ugu Dambayey ee Cayaaraha
ARSENAL OO KOOBKII LABAAD KU Santi Cazorla oo ka Farxiyay kumanaan Tageerayasha Arsenal ah
GUULAYSATAY SANAD GUDIHIIS
oxda Arsenal.
K
ooxda kubadda cagta
Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka Communality Shield kaasi oo loo
dhigo labada kooxood ee kukala guulaysta FA CUP-ka iyo
Premier Leaque-ga Ee England
laga ciyaaro.
Cayaartan ayaa laqabtaa sanad
walba inta aanu furmin xilicayaaredka England,waxaana
sanadka ku hardamaayay labada kooxood Arsenal iyo Man
City,waxa ayna ka dhacday
garoonka wayn ee Wembley
oo ku yaal bartamaha magaalda London.
Ciyaarta ayaa ahayd mid
muhiim uah kooxwalba dhankeeda si ay u tijaabiso inta ay
leegtahay awoodeeda cayaareed sanadka cusub iyo dulduleelada meelaha ay ku liidato kooxwalba.
Bilawgii cayaarta waxaa dardar kusoo gashay kooxda Arsenal oo looga bartay Kubad
isku dhiib waalan,halka kooxda Man City aaney muuqan
banoonigii xooga ku dhisnaa
ee ay ku caanbaxday sanada-
haan dame .
Qaybtii hore ee cayaarta
ayaa kusoo idlaatay natiijo
2-0 ah oo ay kooxda Arsenal ku Hogaaminayso,waxana
muuqatay in kooxda Man
City aanay haba yaraatee soo
bandhigin qaabciyaareedkii laguyiqiinay.
Markii laysusoo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxaa durbadiiba bedel samayay
Tababaraha kooxda Man city
Pellegrini,oo door mooday
laacibka Silva oo uu kursiga
kaydka ku bilaabay,Daqiiqadii
62aad ayay usuurta gashay in
ay siidheeraysato hogaanka
ciyaarta koxda Arsenal kana
dhigtay natiijo 3-0 ah,ugu
damayna cayaartu kusoo gaba-gabowday koobkina ku qaaatay Arsenal.
Sikastaba ha ahaatee kooxda
kubada cagta ee Arsenal ayaa
ku guulaysatay koobkii labaad
oo isku xiga mudo sanad gudihiis ah,waxayna soo Afmeertay Abaartii Koob la’aaneed ee
haysatay tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Cazorla oo la waydiiyay inuu
Arsenal
katagaayo
wuxuuna yidhi: “Warkaas waxaan
ku arkuun saxaafada, laakiin qofna iimuu sheegin aniga
shaqsiyan waxkale, kaliya
warkan waxaan ku arkay saxaafada, sidaa dareedeed anigu
waxba kama ogi. Anigu kaliya
idiga khadka dhexe ee waxaan diirada saarayaa waa
kooxda Arsenal iyo xulka tababarka Arsenal, waxaanan
qaranka Spain ee Santi si fiican iskugu diyaarinayaa
Cazorla ayaa niyada u qabooji- inaan Arsenal si fiican ugu ciyay jamaahiirta Arsenal isa- yaaro”.
goo sheegay inuusan meelna
waan
fiicanahay,
uga socon kooxdiisa Arsenal. “Anigu
haystaa
kalsoonCazorla ayaa lala xidhiidhi- waxaan
ida
qofkasta,
taageerada
nayay inuu dib ugu laabanayo
rajawadankiisii hooyo iyadoo ko- jamaahiirta,waxaanan
ynayaa
inaanu
xili
ciyaareed
oxda Atletico Madrid doonaysay inay xagaagan Arsenal ka fiican qaadano”.Cazorla ayaa
Arsenal ku soo biiray sanadkii
iibsato Santi Cazorla,
2012, wuxuuna hore ugu soo
Cazorla ayaa sheegay inuusan ciyaaray kooxaha Villarreal iyo
waxba ka ogayn wararka la xi- Recreativo Huelva.
idhiidhinayay Atletico isagoo
intaa ku daray inuu saxaafada Cazorla waxaa hamigiisa kooxuun warkaa ku arkay.Cazorla da Arsenal kor uqaaday Goalayaa Arsenal kulankii Commu- kii uu u dhaliyay ciyaartii ay
nity Shieldka goolka kowaad u 3-0 kaga takhaluseen kooxda
dhaliyay. wuxuuna door wayn Man City oo kadhisan gobolka
ku lahaa xili guulihii ay xili ci- manchister ee dalka England,
yaareedkii hore gaadhay ko-
X
Iniesta: Suarez Wuxuu U Dhimanayaa Inuu Dib U Ciyaaro
Klose Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha
Caalamiga Ah
L
aacibka xulka qaranka
Germany
ee Miroslav
Klose ayaa ku dhawaaqay
inuu gebiahaanba ka fariistay
ciyaaraha caalamiga ah,Klose
ayaa xulkiisa u cayaarayey
dhowr iyo toban sano,waxana
uu noqday laacibka ugu goolasha badan cayaaraha koobka
aduunka.
Klose waxa uu kala qaybgalay
dalkiisa koobkii dhowaan lagusoo gabagabeeyey wadanka
Brazil oo uu ku guulaystay
Dalkiisa Germany ,waxana
uu qayb libaax ka cayaaray in
dalkiisu uu ku guulaysto Koobka Aduunka 2014-ka.
Laacibka kooxda Lazio iyo
xulka Germany ayaa 71 gool
udhaliyay dalkiisa 137 kulan oo uu usaftay dalkiisa,36
jirkaan ayaa jabiyey rikoorkii
gool dhalinta koobka aduunka
uu horay u haystay Ranaldihii Reer Brazil,klose waxa uu
dhaliyay 16 gool ah sidaana
waxa uu uhaystaa ciyaartoyga ugu goolasha badan Cayaaraha Heerka caalami.
Klose
waxa
uu
ciyaaray
Afar Semi final oo koob
aduun ah,waxana uu usoo
cayaaray
kooxa
badan
oo ay kamid yihiin Homburg, Kaiserslautern,Werder
Bremen,Bayer Munich iyo kooxda Lazio.
K
ubbad sameeyaha xulka
qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Andres
Iniesta ayaa shaaca ka qaaday in xaalada Suarez halis
tahay isagoo intaa ku daray
inuu dhibaato ku noqotay inuusan Barcelona hore ugu ciyaari karin. Suarez ayaa lagu
ganaaxay afar bilood oo bilaa
kubbada cagta iyo wax ku lugleh ah, wuxuuna sugayaa rafcaankii uu ka qaatay maxkamada ciyaaraha ee CAS.
Liverpool.
Iniesta ayaa yidhi: “ Waxaan
la hadlay Suarez, wuxuu u
dhimanayaa inuu kooxda ciyaarteeda bilawdo”. Iniesta
ayaa aamaan u soo jeediyay
Ivan Rakitic oo Barcelona
xagaagan ku soo biiray. Iniesta iyo Rakitic ayaa la rajaynayaa inay xili ciyaareedkan
iska garab ciyaaridoonaan.
“Tayada Rakitic aniga igamay
yaabin, waayo hore ayaan u
ogayn sida uu u fiican yahay,
jidh ahaan aad ayuu u xoog
badan yahay, wuxuuna maamuli karaa oo uu gacanta ku qaban karaa labada qaybood ee
garoonka”.
Iniesta ayaa sidoo kale ka hadlay Neymar isagoo sheegay in
xili ciyaareedkan horumar samayn doono. “waxaan rajaynaynaa in Neymar sii wado
horumarkiisa xili ciyaareedka
Inkasta oo Suarez ganaaxaasi cusub sidii looga Bartay horay.
ku dhacay Barcelona kamay
joojin inay €88 million suarez
kagala soo wareegto kooxda
8
SANAAG POST NEWS PAPER
Khamiis 14 August 2014
Bogga wararka Layaabka leh!
Aaaldaha isku xirka bulshada oo
mideeyay labo walaale ah oo aan
is arag 18 sano.
Haweeney Shini Shaati ka dhiganeysa oo Jidka socota ayadoo
Shinidii wada qariyay
Edwards, gabadhii uu
dhalay Milton Edwards
waxayna u sheegtay
walaasheed(Brenda)
inaysan arag ilaa shan
jirkeedii laakiin ay aad
ujeceshahay.
T
iknooljiyada casriga ah
ayaa waxay ka dambeysay sheekooyin layaableh
oo dhacay qarnigaan aynu ku
jirno.Tani waxay katimid aaladaha warbaahinta bulshada
Nia Edwards, waa 23 jir aan
wax xiriir ah aan la sameyn
walaasheed oo lagu magacaabo Brenda oo ah 42 jir ah
muddo lagu qiyaasay 18 sano.
Kadib markii ay isku dayday
inay hesho walaasheed iyadoo umaraysa aalada isku
xirka bulshada Facebok ama
Myspace. Nia waxay usoo
jeesatay inay sameysato Accoun ay kula wadaagto sawiradeeda.
Labada walaalaha ayaa dib u
xiriiray wati haatan laga joogo
labo todobaad ku dhawaad.
Waxaa
warbixintaan
lagu
sheegay in gabadha la yiraahdo Nia ay heshay Page-ka walaasheed Brenda waxayna uga
tagtay faalo ama Comment ay
ku sharaxayo qofka ay tahay,
iyadoo weydiinaysay haddii
run ahaantii ay tahay Brenda
Brenda
markii
ay
heshay fariintii walaasheed waxay kusoo jawaabtay inay
tahay ‘Brenda Edwards’ islamarkaana iyaduna ay sidoo
kale raadinaysay walaasheed.
Waxayna weydiisay haddii ay
taleefon leedahay.
Labadii gabdhood dib ayay u
midoobeen laakiin Nia waxay doonaysaa inay la kulanto walaasheed ka weyn oo
aysan
waligeed la kulmin.
Brend waxay qorsheynaysaa
safar ay ku booqanayso walaasheed xagaaga.
Nia waxay ku faraxsan tahay
waqti dheer kadib inay isgartaan labadooda. waxay udareensantahay sidii inay is garanayaan waligood(horey isku
yaqaaneen)
Gabadha yar waxay sidoo
kale rajeynaysaa inay dib u
xiriiraan labo walaale oo lagu
kala magacaabo Maurice and
Candace.
isla waqtigaas waxay xooga
saarayaan inay iskula xiriiraan iyagadoo umaraya aaladaha isku xirka bulshada islamarkaasna uu midkasta faalo
ka bixinayo sawirada midka
Wiil Afkiisa laga helay 232 ilig laga soo
D
hakhaatiirta
dalka
Hindiya ayaa afka wiil
yar oo 17 sano jir ah ka
soo saaray 232 Ilig,qalliinka
wiilkan looga soo saaray ilkahaasi ayaa qaatay muddo toddobo saacadood ah.
Wiilkan oo lagu magacaabo
Ashik Gavai ayaa isbitaalka
la keenay isagoo ka bararay
daanka midig.
horey loo arag.
Waxay sheegeen in ilkaha
wi¬ilkan laga soo saaray ee
tirada badan ay u egyihiin luul
yar yar oo cad cad.
Dr Dhiwaare, oo ka mid
takhaatiirta
qalliinka
sameey¬say ayaa sheegay
in ugu hor¬reyntii ay ku adkayd inay soo saaraan ilkaha,
oo taas ay ku qasabtay inay
Waxaa
la
sheegay
inuu jeexaan ciridka iyo daanka
xan¬uunsanaa muddo 18 bi- Ashik.
lood ah ka hor inta uusan
ka soo safrin tuuladiisa, oo “Markaan furnay, ilka yar yar
takhaati¬irta joogta ay wax ka oo tiro badan ayaa ka soo
qaban waayeen arrintiisa.
bax¬ay, hal hal ayaan u soo
bixi¬nay, ilaa aan ka daalnay.
Takhaatiirta qalliinka fulisay Tira¬da ilkaha laga soo saaee magaalada Mumbai ayaa ray ayaa gaaray 232 ilig”.
sheegay in xaaladda wiilkan
ay tahay mid dhif ah oo aan
Haweeney u dhalatay Dalka
Mareykanka ayaa soo jiidatay
Warbaahinta Caalamka kadib
markii ay Shaati oo kale ka
dhigatay 12,000 Xabo oo Shini ah , Haweeneedan layaabka leh ayaana xanaaneesata
Shinida Jirkeeda saaran.
Sara Mapelli oo lagu Naaneeso
Boqorada
Shinada
ayaa wax cabsi ah ka qabin
Shinada ay dharka ka dhigatay kuna dahaartay qeybaha
sare ee jirkeeda, waxa ayna
tilmaantay in aysan wax wal
wal ah ku heyn Shinidaasi in
ay waxyeelo gaarsiiso.
arkaan layaab ku noqotaa
haweeneedan dharka ka dhigay shinida
Boqorada Shinida ayaa bilowday in ay Shinida xirato sanadii
2001-dii , waxa ayna ilaa hada
caado ka dhigatay in jirkeeda
qeybaha sare ay shinida ku
asturato , waxaana mararka
qaarkood ay qoob ka ciyaar
dheeshaa iyada oo shinida ay
jirkeeda saarantahay.
‘’Waxaan u arkaa Shinadan
maryo aan xiranahay oo kale
, 12,000 oo shini ah ayaa ah
ah shaati oon jirkeyga ku qariyo , wax dhibatao ah kuma
Haweeneedan ayaa caado ka qabo meesha aan doono aydhigatay in Qeybaha sare ee ana ku tagi karaa ‘’ ayey tiri
jirkeeda ay ku qariso shindi- Haweeneedan lagu naaneeso
dan tirada badan , waxa ayna Boqorada Shinida.
sheegtay in ay ku raxaeesato
in ay shinidaasi ay jirkeeda Boqorada Shinida ayaa sheegqarinayaan .
tay in marka ay maagto in
Muuqaalo iyo Sawiro laga soo Shinida jirkeeda ka dagto ay
qaaday ayaa Muujinaya in u wacato qof ka caawiya oo
Wadooyinka ay marto iyada saliid u mariya jirkeeda , waxa
ooo jirkeeda sare ay ku da- ayna intaa raacisay in mararka
haarn yihiin Shini tiro badan qaarkood Shinida ay qaniinaan
, waxaana dadka marka ay xiliyada ay Qoob ka ciyaarka
Haweeneyda aduunka ugu maseyrka
badan iyo tilaabooyinka ay qaado
iyo in kale . Waxa ay fiirisaa
teleefoonkiisa,Emailadiisa iyo
qoraalada bangiyada ee usoo
dhaco.
D
ebbi
Wood
waa
haweenay 42 sano jir
waxay ay waardiyo kahaysaa ninkeeda Steve Wood
oo 30 sano jir wargayska Daily Mail oo soo daabacay.
Waxaa uu leeyahay waxay
maalin waliba marisaa qalab lagu ogaado qofka in uu
been sheegayo iyo in kale
oo layiraahdo [ a lie detector test ] si ay u ogaato in
ninkeeda uu daacad uyahay
Lamanahaan
ayaa
isku
guursaday jaceyl saaxibtinimo balse Debbi Wood waxa
ay ninkeeda ka manuucday
in uu dumarka sawiradooda
ka daawado tvga iyo wargaysyada.
Dhaaqaatirrta oo haweenaydan baaritaan ku sameeyay
ayaa ogaaday inay qabto xanuunka [Othello Syndrome] oo
ah in aad aaminto in xaaskaaga ay ku qiyaanayso xitaa hadii ay daacad kuu tahay
amaba ay run kuu sheegayso.

Similar documents

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014

Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014 Independent Media House Association (SIMHA) Xasan Cali Geesey ayaa yiri “fikirka SIMHA waxaa lahaa dhalinyaro soomaliyeed oo saxafiyiin ah kuwaa oo doonaya in fikirkooda uu noqda mid taaba gal noqd...

More information

tusmada wargeyska

tusmada wargeyska Intaasi ka dib waxaa isna madasha ka hadlay Axmed Cabdulwahab oo ah isku duwaha Dalmar Foundation, isagoo si kooban u sharaxay taariikhda ururka Dalmar iyo qaabkii ay howsha ku bilaabeen markii hor...

More information