tusmada wargeyska

Transcription

tusmada wargeyska
1
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
HALKU-DHIGEENA MAANTA
“Canugaaga oo aad barto afkiisa
hooyo ee Soomaaliga waa badbaadada
dhaqankiisa, diintiisa iyo jiritaankiisa
Soomaalinimo”
Digital Newsletter
“Intaad qurbaha joogto ku dadaal
in ubadkaaga aad ku barbaariso
afka Soomaaliga” A.Mohamud
Hay’ada GGD ee dalka Netherlands, waxay fariin caafimaad oo muhiim ah u sidaa dhamaan
dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan. Diyaar ma u tahay in lagu siiyo talo-bixin caafimaad.........ka eeg bogga 9aad
TUSMADA WARGEYSKA
Somali Star TV oo xafiis cusub ka furatay Netherlands
A. Naaji oo ka soo qeybgalay xaflada furitaanka........(Warbixin) bogga 3aad
Al-Fanaan A.Naaji oo la kulmay jaaliyadda
Soomaalida Netherlands
Xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey....
Maalinta dhaqanka Soomaalida
oo lagu soo bandhigay Zwolle
Z ahra Nale ye o o ka
qe y b gashay shirka
c aalami
ah o o ka
dhac ay
Burk ino
Faso
Bogga 7aad
Dowlada Germany
oo diiday in qaxootiga
Soomaalida dib loogu
celiyo Netherlands.
Maxay tahay sababta?.....
(Warbixin Faahfaahsan)
..............................Ka eeg bogga 2aad
Xuska 1da Luulyo iyo Soomaalida Netherlands
Ka eeg Bogga 4aad
Booqashada Wargeyska
Warbixin ku saabsan dugsi
caruurta Soomaalida lagu
baro afka iyo dhaqanka
Soomaaliga ee ka furan
Haarlem......Bogga 3aad
Guddiga FSAN iyo Safiirka Soomaaliya ee Benilux oo kulmay
Maxay ka wada hadleen?
Netherlands oo dhib ka heysta
caruurta qaxootiga Soomaalida ee
aan waxba soo baran....Bogga 2aad
Maxaa Sababa Welwelka
Iyo Walbahaarka?
(Cilmi-baaris)
bogga 10aad
Laba aan is af-aqoon lamaane jaceyl
ma noqon karaan? Qiso dhab ah......bogga 10aad
2
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
xaalada magangalyo-doonka
G ermany “Ma jirto qaxooti dambe
o o l a g u c e l i n a y o N e t h e r l a n d s .”
M
M.A Farah
axkamad ku taalla
dalka Germany ayaa
horaantii bishii May,
waxay go’aan ku gaartay in magangalyodoonka kaga yimaada dhinaca dalka
Netherlands gaar ahaan Soomaalida aan
dib loo celin doonin sababo ay ku sheegtay inaysan dalkaasi ku haysan wax daryeel bani’aadnimo ah. Warkan ayaa waxaa
lagu daabacay jariirada dalka Netherlands
ka soo baxda ee NRC
Handelsblad.
filneyn inuu qaabilo qulqulka qaxootiga,
laakiin dalalka xubnaha ka ah Midowga
Yurub waa lagu celin karaa qaxootiga.
Q.M ayaa horaantii sanadkan ku baaqday
in dadka magangalyo-doonka ah ee ka
soo galay dhinaca dalka Bulgaria aan dib
loo celin, waayo bay tiri wadankaasi waxaad aad ugu soo jabay Syrian badan mana
awoodo inuu qaabilo tiro badan oo qaxooti ah.
Sida laga soo xiganayo xaakin ku sugan
maxkamadaasi, qaxootiga ku sugan dalka Netherlands ma haystaan
in ku filan waxyaabaha
nolosha daruuriga u ah
sida; hoy iyo raashin.
Waa waxyaaba naadir
ah in qaadi maxkamadeed uu go’aamiyo in
magangalyo-doonka aan
lagu celin wadan kale
oo ka tirsan Midowga
Yurub, iyadoo sanadkii
2011-kii maxkamada sare ee xaquuqda
bani’aadamka ee Midowga Yurub ay soo
saartay go’aan ah in qaxooti dambe aan
lagu celin dalka Gariiga. Taasina waxay
ku timid markii la ogaaday dalkaasi aanu
daryeelin qaxootiga soo gala.
Hadda maxkamada Germany waxay u
aragtaa Netherland dal ku xadgudbay
xaquuqda aadanaha, isla markaana aan ka
soo bixin waajibaadkii ka saarnaa magangalyoonka.
Go’aanka
Haddaba sheekadan ayaa waxay timid ka
dib markii maxkamad ku taalla magaalada Darmstadt ee dalka Germany ayaa
Khamiistii hore qaaday kiiska dacwad
magangalyo-doon Soomaali ah, oo dalka Netherlands isaga soo cararay markii
halkaasi uu kasoo xirmay galkiisa qaxootinimo oo u soo u baxsaday dalka deriska
ee Germany.
Dowlada Germany ayaa markii hore doonaysay in qofkaasi Soomaaliga ah lagu
celiyo dalka Netherlands sida uu dhigayo
qodob ka mida heshiiska Dublin ee ka
dhexeeya wadamada Midowga Yurub,
kaasoo qeexaya in qaxootiga lagu celin
karo Yurub dhexdeeda dalkii markii hore
uu ka soo gaco-dhigtay oo uu xaq ku
leeyahay inuu qaxootinimo weydiisto.
Xeerka Yurub
Keliya waxaa dadka magangalyo-doonka
ah aanan lagu celin karin dalalka Yurub
ka baxsan ee aan xamili karin aanan ku
Teeven: “Burcadbadeedii codsata
magangalyo lama siideenayo”
W
asiirka cadaalada iyo amaanka isla
markaana qaabilsan arrimaha qaxootiga dalka Netherlands, Fred Teeven ayaa
sheegay in burcad-badeeda Soomaalida
ee lagu helay dembiyada ee lagu xukumay
xabsiyada dalkan, aanan si fudud loo siideyn doonin haddii ay codsadaan magangalyo.
Sharciga dalka Netherlands ayaa dhigaya
in burcad badeeda la siideenayo haddii ay
dhameystaan saddex dalool laba dalool
muddada lagu xukumay waa haddii ay la
yimaadaan dhaqan wanaagsan waqtiga ay
Iskuulada Netherlands oo ku jahwareersan caruurta qaxootiga ee Soomaalida iyo
Eritrean-ka
DEN HAAG - Dalada ay ku mideysan yihiin
iskuulada loogu talagalay dadka magangalyodoonka ah ee la yiraahdo Lowan ayaa sheegtay
in iskuulada Netherlands aysan ku filneyn
inay wax baraan caruurta qaxootiga sida
Soomaalida iyo Eritrean-ka.
Sida ay sheegtay Marieke Postma, oo la taliye
ka ah Lowan, caruurtan waxay la yimaadaan
iskuulada dib-u-dhac weyn.
Maxkamada Germany waxay u aragtaa
“arrin aan xaq aheyn in Soomaalida lagu
celiyo dalka Netherlands” gaar ahaan waxa
ay maxkamadu sheegaysaa in dalkaasi
mamnuuc laga dhigay in magangalyo
doonka shaqo la siiyo lagu adkeeyey
dadka qaxootiga ah oo ay badan tahay
shaqo la’aanta, taasina ay halis ku tahay
muuqaalka jireed iyo midka maskaxeed ee
qofka qaxootiga ah, sida ku xusan qoraal
ka soo baxay maxkamada.
"Waxay dalkan ku yimaadaan qaarkood da'da
11 jir, weligoodna dugsi waxbarasho ma aysan
soo arkin. Ma qabsan karaan xitaa qalanqoriga weligoodna ma qoran. Waxaana ku
qasbanahay inaan la dadaalno si xowli ah oo
aan geyno fasalka 7aad." ayey tiri Postma mar
lagu wareystay idaacada BNR.
Waxay sidoo kale Postma sheegtay inay aad
u adag tahay in canug aan weligiis iskuul
tagin in wax la fahansiiyo. "Farqi weyn ayaa
u dhexeeya kan aan iskuul weligiiba arkin iyo
midka soo maray ee arkay.Waxaana tusaale
noogu filan caruurta Soomaalida iyo kuwa
Eritrean-ka ah."
Dalad oo kulmisa ilaa 150 iskuul ayaa hadda
raadinaysa xal ay u hesho mushkiladan,
waxana iskuuladan ay wax baraan caruur
badan oo isugu jirta Soomaali iyo Eritrean,
kuwaasoo badankood dalkan la keenay da'da
dugsiga lagu aado iyo wax ka weyn.
FSAN iyo ururada xubnaha ka ah
oo ka shiray arrimo muhiim ah
Qareen la yiraahdo Pim Fischer ayaa ku
macneeyey go’aanka maxkamada Germany mid sumcadxumo weyn ku ah dalka
Netherlands.
“Dal weyn oo deris nala ah ayaa u arkay
inaan ku guuldareysanaya inaan ilaalino
xaquuqda bani’aadamka. Fischer waxa uu
ku taqasusay arrimaha xaquuqda dadka
saboolka ah iyo sida loogu caawin karo
inay helaan hoy iyo waxa ay ku noolaadaan.
Dhamaadka bishii Oktoobar ee sanadkii
hore, guddiga xaquuqda aadanaha ee Midowga Yurub ayaa xukmiyey in Netherlands ay daryeel u fidiso magalyo-doonka
sharci darada ku jooga dalkeeda sida inay
helaan hoy, cunto iyo waxay xirtaan inkastoo wasiirka masuulka ka ah qaxootiga ee
cadaalada iyo amaanka Netherlands, kana
tirsan xisbiga VVD ee Fred Teeven uu marar badan sheegay in wax laga qabanayo
cabashada magangalyo-doonka, laakiin
ilaa hadda aan wax muuqda aan la qaban.
xiran yihiin.
Si kastaba, Teeven ayaa qorsheenaya inuu
wax ka badelo sharcigaasi, isagoo adeegsanaya sharuudan uu hadda la yimid mar
uu Isniintii la hadlayey aqalka labaad ee
baarlamaanka Netherlands.
Tirada guud, ilaa 25 muwaadaniin Soomaali
ah ayaa lagu helay dembiyo burcad-badeednimo, iyadoo Teeven uu sheegay inuu dowlada Soomaaliya kula heshiisay in Soomaalidaasi dib loogu celinayo dalkooda.
Bishii April ee sanadkan,waxaa soo baxay
war sheegayey in saddex ka mida koox
burcad-badeed Soomaaliya oo sagaal ka
kooban oo lagu xukumay afar sano iyo bar
xabsi ah sanadkii 2011-kii, ay codsadeen
magan-galyo ay ku joogaan Netherlands
marka la siidaayo xabsiga.
AMSTERDAM - Kulan guddiga cusub ee
FSAN uu isugu yeeray dhamaan ururada
xubnaha ka ah dalada, ayaa 8-da June 2014
waxay ku kulmeen magaalada Amsterdam ee
caasimada dalka Netherlands, kaasoo ay kaga
arrinsadeen arrimo la xiriira sidii loo xoojin
lahaa wada-shaqeynta dhexdooda ah.
dhaqaale iyo xag sharciba looga caawin lahaa
magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee ku
dhibaateysan dalkan Netherlands, kuwaasoo
la diiday codsiyadooda qaxootinimo, isla
markaana ay dowlada ay dibadda uga saartay
guryahii ay ku jireen.
Ururadan xubnaha ah oo isugu jiray kuwo si
firfircoon uga howl gala gudaha dalka Somalia
iyo qaar ka shaqeeya arrimaha qurbo-joogta
Soomaalida Netherlands, ayaa waxay guddiga
cusub ee FSAN siiyeen warbixno dhameystiran
oo ku saabsan howlaha ay qabtaan iyo caqabadaha mararka qaar ka hor yimaada.
Waxaa la isku afgartay in marka hore loo
aruuriyo deeq-lacageed oo ay uga baxaan
bisha Ramadaan ee fooda nagu soo haysa,
maadaama meelahii ay ka sida KMG ah uga
deganaayeen magaalada Amsterdam loo sheegay inuu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay oo
ay soo food saari doonto xaalad kale oo adag
oo dhinaca hoyga iyo cuntadaba ah.
kulan waxaa ka qeyb galay ururada kala ah,
AASIYA, BANAADIRI, LIBIN, KAALO, DEEX,
AFRICA DARYEEL, EUROSOM, SOON,
DALMAR FOUNDATION, IFTIN, SONECA,
GALAD, SOMVAO, SONPPCAN, HILMILO,
kuwaasoo ka kala dhisan gobolada kala duwan
ee dalkan Neherlands wada-shaqeyn fiicana la
leh dowladaha hoose ee magaalooyinkooda.
Soomaalidan magangalyo-doonka ah oo tiro
ahaan kor u dhaafaya 70 qof, ayaa siyaabo kala
duwan loogu diiday sharcigii deganaanshiyo ee
dalkan, waxayna marar badan banaanbaxyo ka
sameeyeen magaalada Amsterdam, kuwaasoo
ay ku doonayeen inaanay ku laaban karin
waqtiga Soomaaliya oo ay xaq u leeyihiin inay
helaan sharci qaxootinimo.
Guddiga cusub oo muddo lix bil ah hayey hogaanka FSAN ayaa isna waxa uu ka warbixiyey
howshii ay qabteen mudadii yareyd ee ay xilka
hayeen iyo waliba howsha culus ee hortaala
ustaqbalka oo ay sheegeen inay tahay mid u
baahan in si wada-jir ah loo wajaho.
Guddiga cusub ee FSAN iyo ururada xubnaha
ah ka ah daladaasi ayaa waxay hadda dadaal
xoogan ugu jiraan sidii wax looga qaban lahaa
dhibaatada Soomaalidaasi.
Xubnaha iyo guddiga waxay si weyn uga doodeen sida loo dardar-gelin karo howlaha isugu
jira adeega iyo caawimaada ee ay u hayeen
shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalkii
hooyo ee Soomaaliya iyo kuwa halkan Netherlands jooga, gaar ahaan qaxootiga ku cusub
dalkan.
Waxaa si gaar ah looga hadlay sidii xag
Ugu dambeyntii gudoomiyaha guddiga FSAN
Ali Abdi Ware ayaa sharfay inuu kulankan
dhowr eray ka yiraahdo, soona xiro, Xuseen
Qadiib oo ah gudoomiyahii hore ee FSAN,
kaasoo ugu baaqay ururada inay muujiyaan
wada-shaqeyn ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad, waxa uuna guddiga cusub dhinacooda
ugu baaqay inay u dhabar-adeygaan howlaha
culus ee horyaala, isla markaana dulqaad
badan ay muujiyaan.
3
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Warbixinada ururada jaaliyadda
Somali Star TV oo xafiis cusub ka
furatay Netherlands
AMSTERDAM- Xaflad
si heer sare ah loo soo
agaasimay oo lagu furayey
xafiiska Somali Star TV
ayaa 19-kii bishii April
ee sanadkan ka dhacday
hoolka shirarka ee Dalmar
Foundation ee magaalada
Den Haag ee dalka Netherlands, taasoo ay ka soo qeyb
galeen qeybaha kala duwan
ee jaaliyadda Soomaalida ee
dalka Netherlands.
Xafiiskan cusub oo ay wada shaqeyn
leeyihiin Dalmar Media, ayaa furitaankiisa
waxaa ka soo qeyb galay safiirka Soomaaliya u fadhiya Belguim Ali Faqi, gudoomiye ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha ee
maamulka gobolka Banaadir Iimaan Iikar,
Fanaanka caanka ah ee Al-Ustaad Axmed
Naaji Sacad iyo qaar ka mida madaxda
ururada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka
Netherlands.
Ugu horeyn waxaa hadlkaasi ka hadlay Ali
Faqi iyo Axmed Naaji oo labaduba sheegay
inay aad ugu faraxsan yihiin in xafiiska
Star TV laga furo dalka Holland, uuna ku
shaqeyn doono qaab ka duwan TV-yada
kale, uuna la yimaado barnaamijyo wacyi
gelin ah oo qeyb ka qaadan kara arrimaha
dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.
Intaasi ka dib waxaa isna madasha ka
hadlay Axmed Cabdulwahab oo ah isku
duwaha Dalmar Foundation, isagoo si
kooban u sharaxay taariikhda ururka Dalmar iyo qaabkii ay howsha ku bilaabeen
markii hore, waxa uuna sheegay in Agaasimaha TV-ga cusub ee Star TV uu yahay
shaqsi ay horey isla soo shaqeeyeen, isla
markaana uu ka rajeenayo in isbadal uu
kusoo kordhiyo Warbaahinta Soomaalida
ee dhinaca Araga.
Waxaa sidoo kale isna khudbad goobta ka
jeediyey Agaasimaha Star TV Maxamed
Aadan oo ka mida haa dhalinyaradii wax
ku soo baratay dalka Holland, waxa uuna
ku dheeraaday siyaasada iyo ujeedooyinka
Star TV iyo barnaamijyada uu xooga
saarayo.
Maxamed waxa uu sheegay in ay xooga
saari doonaan Barnaamijyada Arrimaha
Bulshada si loo helo Barnaamijyo lagu
wacyi-gelinaayo bulshada, waxa uuna
xusay in uu rajo weyn ka qabo in Star TV
uu la yimaado is-badal muuqda.
Madaxa mashruuca ilaalinta xaquuqda dumarka iyo ka hortaga gudniinka, ee Dal-
Booqashada Wargeyska
Dugsiga caruurta lagu baro afka
Soomaaliga ee magaalada Haarlem
lada FSAN Sahra Naaleeye, ayaa iyadana
goobta ka jeedisay hadalo isugu jiray hambalyo iyo talo soo jeedin ku aadan xafiiska
cusub ee Star TV, iyadoona Madaxda TVga ka codsatay in Barnaamijyada ka baxa
TV-ga lagu soo kordhiyo kuwo ka hadlaya
dhaqanka iyo Afka Soomaaliga, isla
markaana lagu dhiira-gelinayo Haweenka.
Magaalada Haarlem ee xarunta
gobolka Noord-Holland ee dalka
Netherlands, waxaa sanooyin ka hor
laga furay dugsi caruurta Soomaalida
lagu baro afka Soomaaliga, kaasoo
aasaaskiisa ay iska kaashadeen jaaliyadda Soomaalida ee degan Haarlem.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi khubad
gaaban ka jeediyey gudoomiyaha guud
ee dallada FSAN Ali Abdi Aware, isagoo
sheegay inuu soo dhoweenayo furitaanka
xafiiska cusub ee Star TV ee magaalada
Den Haag isla markaana ku tilmaamamay
TV ay hormuud u yihiin dhalinyaro
waxbaratay oo la imaan kara isbadel iyo
barnaamijyo ka duwan TV-yada kale.
Dugsigan oo furan
maalmaha fasaxa ee
Sabtida iyo Axada
ayaa waxaa maamule
ka ah Abdikarim
Mohamud (Xoogasde), waxaana ka
faa'iideysta caruur badan oo Soomaaliyeed oo da'doodu u dhaxeyso 3 jir ilaa
16 jir.
C/qaadir Nuune iyo Sheekh Cumar oo
iyagu ka mida ganacsatada Soomaalida
Holland oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay
inay aad ugu faraxsan yahay in Star TV ay
xafiis rasmi ah ka furato magaalada Den
Haag, iyagoona sheegay in hadii ay yihiin
ganacsatada ku dhaqan dalka Netherlands
ay baahi u qabeen xafiis nuucaan oo kale
ah.
Waxaa
sidoo kale
madasaha
xaflada
lagu soo
dhoweeyey
oo hadalo
kooban ka
jeediyey
gudmiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka
Banadir ee Dowlada Federalka Soomaaliya
Mudane Iimaan Nuur Iikar, oo halkaasi
ka jeediyay khudbad dhinacyo badan
taabaneysay, taasi oo uu kaga hadlay
dhibaatada bahda warbaahinta ka hey sato
gudashada waajibaadkooda, Amaanta ay
mudan yihiin bahda warbaahinta iyo sida
uu ugu faraxsan yahay kasoo qeyb galka
Munaasabada daah furka xafiiska Star TV.
Ugu danbeyn dadkii kasoo qeyb galay
Xaflada ayaa halkaasi isku dhaaf-saday
talo soo jeedin ku aadan qaabka ay u
arkaan in ay talo usiin karaan TV-ga Star,
iyadoona halkaasi su'aalo lau weydiiyay
Madaxda Star TV. waxa ayna jawaabaha ay
bixiyeen aheyd kuwo ay ku qanceen dadkii
xafladaasi kasoo qeyb galay.
Taariikhda 15 Luulyo 2014
Waxaan haddaba 25-kii bishii May ee
sanadkan 2014 u suurtagashay wargeyskan inuu booqdo dugsigaasi, ka
dibna aan wareysi la yeelanay macalinka maamula dugsigaasi Abdikarim Mohamud,
isagoo nooga
warbixiyey
ujeedada loo
furay dugsigan iyo waliba
muhiimada uu
afka Soomaaliga u leeyahay barbaarinta caruurta
Soomaaliyeed ee Netherlands ku nool.
"Dugsigan hadda waxa uu furan
muddo ku lix sanno, ujeedada markii
horena loo aasaasay waxay aheyd in
caruurta Soomaalida ee ku dhalatay
halkan fursad loo siiyo in ay baran
karaan dhaqankii, diintii iyo afka
Soomaaliga oo muhiim runtii u ah
jiritaankooda dadnimo." ayuu yiri
Abdikarim.
Waxa uu sheegay in hadda dugsigan
Haarlem ay dhigtaan 49 arday, iyadoo 11 canugna ay ku jiraan liiska
sugayaasha maadaama buu yiri aanay
noo saamaxayn meesha wax lagu
dhiganayo, macalimiinta la haysto iyo
waqtiga la haysto oo aad u kooban.
"Bilowgii qaar ka mida waaladiinta
Soomaalida ee magaaladan Haarlem
degan ee fahamsanaa muhiimada afka
Soomaaliga iyo barashada dhaqanka
ayaa iska kaashaday inuu furmo dugsigan, iyadoo Soomaalida degan tuulooyinka ku hareereysan magaaladana
ay ku taageereen, laakiin ma jirin wax
intaa ka baxsan oo aanu gacan ka
helnay." ayuu Abdikarim.
Mar wax laga weydiiyey bal in dowlada hoose ee Haarlem ay taageero
dhaqaale ka heleen bal si loo socodsii-
yo howlaha dugsigan, ayaa Abdikarim
waxa uu ku jawaabay.
"Maadaama aysan jirin wax gaar ah
oo dowlada hoose ay ugu talagashay
barashada dhaqanka, diinta iyo afka
Soomaaliga, ayaan waxaan sameenay
markii hore in aan
Soomaali ahaan is
xilqaano oo aan anagu
daboolka baahida
jirta sida bixinta kirida
dhismaha dugsiga uu
ku yaallo iyo bixinta
qarashka haddii ay
jiraan xaflado cauurta loo sameenayo.
Marka markii aanu sidaasi ku wadnay muddo saddex sanno ah ayaa
waxaa soo baxday baahi kale oo ah in
caruurta laga caawiyo maadooyinka
waxbarasho ee ay iskuulada caadiga
ah u aadaan. Marka arrintaasi awgeed
ayaan la xiriirnay dowlada, runtiina
way nagu gacansiiyeen inaan ciyaalka
u qabano macalimiin ka caawiyo leylisyada guryaha loogu soo diro." ayuu
hadalkiia raaciyey.
Waxyaabaha ugu weyn ee ay caruurta
halkaasi lagu baro ayaa Abdirakim ku
sheegay inay tahay afka Soomaaliga
oo u muhiim u ah jiritaankooda,
waxaana ka mid ah buu yiri ."Sida
Higaada, Aqrinta, sheeko xariireed iyo
waliba sheekooyin kale oo ka hadlaya juquraafiga iyo taariikhda dalka
Soomaaliya."
Waxa uu sheegay in mustaqbalka uu
ku tala jiro in la balaariyo mashruuca
barashada Afka Soomaaliga oo ay
gaarsiiyaan magaalooyin badan oo ku
yaala dalkan Netherlands oo ay degan
yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed.
4
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
Warbixinada ururada jaaliyadda
Xuska 1da Luulyo iyo Soomaalida Netherlands
M
By. M Abdi Farah
xor tahay, ma tihid runtii xor, waayo aduunka waa laga tagay
in wadan wadan kale ku duulo oo xoog ku qabsado, waxaana maanta jirta mid taasi ka duwan oo ah gumeysi casriya,
Soomaaliya maskaxdeeda iyo maalkeeda waa laga adoonsanayaa. Bal qiyaas miisaaniyada sanadkii dowlada
federaalka, Somaliland iyo
Puntland haddii la isku
daro inta ay iyagu qirteen
oo ay soo daabaceen oo
ah inay dalka ku kabaan,
waxaa ka badan inta
saddex bilood ay qaataan
diyaaradaha Ethiopia iyo
Kenya, bal qiyaas, dal burbursan oo saddex laab miisaaniyadooda sanadkii ugu diraya wadamada deriska oo waliba ay dhaxlaan
caafimaad xumo, burbur, hooyo ooynaysa, gablan, hooyo asaay
qaada, furiin iyo caruur aabe la'aan ku kora,"ayuu yiri Abukar
Cawale.
agaalada Amsterdam
ee caasimadda dalka
Netherlands, waxaa
Jimcahii aynu soo
dhaafnay oo taariikhdu ay ku beegneyd 27-ka June 2014, lagu qabtay
xaflad balaaran oo la soo horimariyey
oo lagu xusayey 1-da Luulyo , maalintii madaxbanaanida dalka Soomaaliya
oo hadda ay ka soo wareegatay 54
sano, waxaana sidoo kale xafladaasi
looga faa’iideystay in looga hadlo
dhibaatooyinka koriimada ubada iyo
arrimaha xoriyad la’aanta ee haysta
dhalinta ku barbaartay dalkan iyo
waliba guulahii laga gaaray in Qaadka
laga joojiyo dalalka Holland iyo UK.
Munaasibadan waxaa soo qaban
qaabiyey ururada IFTIN, SONPPCAN, IFTIIN, SAMAWADA, SOMVAO, Warbaahinta Qaranka SNTV
iyo Somali Channel TV, waxaana ka soo qeyb galay mujtamaca
Soomaalida ee ku kala dhaqan qeybo ka mida magaalooyinka
iyo gobolada dalka Netherlands, waxaana sidoo kale lagu casuumay oo xafladan yimid gudoomiyaha ururka Qaad-diid, Abukar
Cawale oo hormuud u ahaa ololahii balaaranaa ee sababay in
dalka UK laga mamnuuco cunista iyo ka ganacsiga jaadka.
Ugu horeyn waxaa madasha
xaflada lagu sharfay inuu ka
hadlo Mohamed Aden oo mar
xildhibaan ka soo noqday
dowladahii dalka Soomaaliya
soo maray, waxa uuna mahad
celin ka dib uu si qoto dheer uga
sheekeeyey taariikhdii calanka
baluuga ee dhexda ku leh xidigta
shanta gees iyo halgankii loo soo
galay madaxbanaanadii dalka iyo walabiba ragii u soo halgamay
xoriyadaasi.
"Waagaasi inkastoo aan nin yar ahaa, haddana yididiilada
ku jirtay dadka iyo anigaba u maleemaysaan inteey la'ekeyd;
Soomaali madaxbanaan oo xoriyad heshay oo haddana iyada is
xukunta oo aan kala qoqobneyn ayey aheyd. Maxabada dadka
ay u qabeen maalintaasi iyo farxadeeda aad bay u sareysay." ayuu
yiri Mohamed Aden oo intaa ku daray. "Haddee Ilaahey isagaa
qaadiree nooma waayin inuu niyadee sameyd, jaceylkii iyo
midnimadii inoo soo celiyo. Ilaaheyna waan ka baryeenaa inuu
inagoo nool aan aragno mar kale sharaftii aanu laheyn."
"Mudadaasi aanu nooleyn oo calanku dhashay, waxaa laga joogaa 54 sano, waa nus qarni wax ka badan, waxay haddana nala
tahay shalay oo kale, sababtoo xasuusteey nagu reebtay baa weligeed naga go'ayn. Wixii ka dambeeyey ee dhacay, waxay nala
aheyd kufid ay ka dambeyn doonto in laga kaco. Marka niyada
weli nagama jabin, maanaa quusan, waxaana idinkula dardaarmayaa intiinan dhalinyaradiina naga dambeysana ha quusanina,
la iskana iloobo xumaatadii ka dambeysay waqtigii calanka la
suray, lana nooleeyo midnimada iyo Soomaalinimada." ayuu yiri
Abdullahi Aden.
Waxaa intii ay socotay munaasibadaasi dhextaal u ahaa heeso
wadani iyo kuwa dabacsan oo ay halkaasi ku soo bandhigeen
kooxda Tayo Band ee ka dhisan dalkan Netherlands.
Shukri Sheekh Xasan,
gudoomiyaha ururka
IFTIN, baratayna cilmiga
horumarinta, daryeelka
iyo koriimada ciyaalka.
(pedagoog), ayaa iyaduna
hambalyada 1-da Luulyo
ee xoriyada Soomaaliya
ka dib, waxay halkaasi ka
jeedisay hadal qiimo badan
oo ku saabsanaa dhibaatooyinka ay dumarka Soomaaliyeed ee
jooga Yurub ay kala kulmaan koriimada caruurtooda fahamka
sida caruurta loogu barbaarin karo labada dhaqan ee kala
duwan.
"Labada dhaqanka ee ilmaha lagu korinayo waa wax aad iyo aad
u dhib badan, waayo waalida dhaqankii iyo bey'adii uu ku soo
koray ayaa ka duwan mida uu ugu yimid qurbaha. Waaladiinta
ilmaha ku korsada wadamadan reer galbeedka ha noqoro Yurub,
America, Canada iyo Australia, waxaa looga baahan in ay badbaadiyaan caruurtooda, waxayna ku badbaadin karaan iyagoo
barta dhaqanka iyo luqada wadanka ay soo galeen, sababtoo
ah waxay helayaan furahii, waxayna ogaanayaan nolosha
mujtamacaasi."ayey tiri Shukri.
Shukri waxay tusaale u soo qaadatay dalkan Netherlands oo
sheegatay inuu leeyahay sharciyo ku saabsan dhowrista iyo
barbaarinta caruurta oo haddii waalidka uu ku xadgudubo ay
dhibaayo kaga imaan karto. "Laakiin hadduu waaladku marka
horeba uu og yahay sharciyadaasi, waa uu iska ilaalin karaa.
Mida kale, waxaa jirta cabi ay waaladiintu ka qabaan hay'adaha
ku shaqada leh la socoda ilmaha, laakiin haddii aad baratid
qaabka iyo ujeedooyinka ay ku shaqeeyaan, waxaad ogaanaysaa
siyaasadaha ay ku shaqeeyaan. "ayey hadalkeeda raacisay Shukri.
Waxay kaloo sheegtay Shukri in ay muhiim tahay in waaladiinta
ay ka faa'iideystaan hay'adaha caruurta oo ka korarsadaan wixii
wanaagsan sida aqoonta la xiriirta sida ubadka loo xanaaneeyo,
uuna iska ilaaliyo wixii ka hor imaanaya sharciyada wadanka
ee dhibaya caruurta, si aysan masuuliyad daro halkaasi uma
imaan oo deetana laga qaato caruurta ama ay ka dayacmaan, isla
markaana bay tiri waxaa waalidka mar kasta looga baahan yahay
inuu caligiisa iyo cilmigiisa kordhiyo oo hadba uu la socdo wax
soo kordha.
Waxay ugu dambeyn u soo jeedisay qoysaska Soomaaliyeed
ee qurbaha ku dhaqan inay si wanagsan ula dhaqmaan caruurtooda oo ay saaxiib dhow ay la noqdaan, ayna mar kasta la
sheekeystaan, si canagii uu ugu dhiirado inuu hooyadii ama
aabahii uu u sheegan karo wixii dhib ah ee haysta.
Intaasi ka dib, waxaa goobta ka istaagtay Garyaqaan Shamso Sh.
Xasan oo gudoomiye ka ah ururka u dooda xaquuqda caruurta
Soomaaliyeed ee SONPPCAN, waxayna Shamso ka hadashay
ujeedada iyo hadafka mashruuca (We can make change) oo
macnaheedu yahay is-badel-doon oo ay wadaan koox dhalinyaro Soomaaliyeed oo Netherlands ku barbaaray.
Abukar Cawale waxa uu sheegay in muddo 9 sano ah ku qaadatay ololahiisa Qaad-Diid, uuna ugu dambeyntii ku guuleystay
in dalka UK laga mamnuuco laga bilaabo 26 June 2014, isagoo
intaa daray inuu in baaritaan dheer ka dib la ogaaday in Qaadka
laga helay laba maado oo daroogo nooca mamnuuca ka ah dalka
Ingiriiska, taasina ay qeyb weyn ku laheyd in dowlada ay soo
saarto sharci lagu mamnuucayo Qaadka.
Waxa uu xusay in Qaadka uu dhibaato badan ku hayey mujtamaca Soomaalida ee dalka UK, uuna sabab u yahay in dad
badan oo Soomaaliyeed ay nolosha ka dhacaan, isla markaana ay
ka mid noqdaan mujtmacyada ajaanibka ee ugu liita ee ku nool
dalkan.
Abukar Cawale waxa kale oo uu sheegay in ololahiisa QaadDiid uu sii soconayo, uuna hadda diirada saarayo gudaha
dalka Soomaaliya. "Waxaan hadda wadnaa mashruuc aan ugu
magacdarnay (Qub Qaadka oo Qaado Qudaarta), kaasoo ah
mashruuc aan rabno inaan shaqooyin ugu abuurno haweenkii
iibin jiray Qaadka ee Soomaaliya,"
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay
Cali Cabdi Waare, gudoomiyaha
dalada FSAN ee kulmiya ururada Soomaalida ee ka dhisan dalka
Netherlands, isagoo u mahad celiyey
dhamaan.
"Aad baan ugu faraxsanahay in
Soomaaliya ay xor tahay laga soo bilaabo 1961-kii, laakiin waxaa nasiib daro ah in weli aan qabiilkii
uu na haysto oo aanu ka xoroobin, waxaana ku talinayaa in taasi
laga gudbo oo aanu iska deyno qabyaalada iyo wax kasta oo
sababi kara in dhib hada aan ku sii jirno."ayuu yiri Cali Waare.
Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay umadda Soomaaliya inay
dadaal dheer u galaan sidii ay uga hortagi lahaayeen qabyaalada,
ayna xoojiyaan midnimada iyo wax wada qabsiga.
"Waxaan rabaa inaan halkan idin kaga sheego inuu jiro mashruuc ay wadaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku soo koray ama
qaarkoodba ku dhashay Netherlands oo dhamaantood halkan
wax ku bartay. Barnaamijkan runtii waxay ujeedadiisay ay tahay
sidii loola dagaalami lahaa dhaqanka iyo caadooyinka xun xun
ee dhibaatada ku ah dhalinyarada sida guurka qasabka," ayey tiri
Shamso. "Waxaa yoolku uu yahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed iyo wiilal ay u dareemi lahaayeen xoriyad buuxda iyo inay
iyagu go'aan ka gaari karaan mustaqbalkooda oo looga hortago
in gabadh waxbaranaysa inta la qoor qabto si qasab ah loogu
guuriyo nin ka weyn." ayey hadalkeeda sii raacisay Shamso.
Haddaba ruwaayad qiimo badan
oo ku saabsan guurka qasabka ee
lagu sameeyo gabadha Soomaaliyeed, ayaa halkaasi lagu soo
bandhigay, waxaana ruwaayadaasi
sameysay oo garwadeen ka aheyd
Sahro Muuse oo madax ka ah
ururka Sama-Wade.
Ruwaayadan waxaa matalayey qaar mida dhalinyarada Soomaalida Netherlands, waxaana ka hadlaysay gabadh da' yar oo weli
ku jirta waqtigii waxbarashadeeda oo si qasab ah la doonayey
in loogu daro nin ka weyn, loona diiday inay mustaqbalka ku
guursato wiil ay wax soo wada barteen.
Xaflada xuska 1-ka Luulyo, ayaa waxaa sidoo kale looga
faa'iideystay in looga hadlo guusha laga gaaray dadaalkii sanooyinka badan qaatay ee aakhirkii lagu mamnuucay in dalka UK
laga cuno ama laga ganacsado Jaadka ama Qaadka, waxaana
arrintaasi faahfaafin buuxda ka bixiyey Abukar Cawale, madaxa
ururka Qaad-Diid oo runtii ku guuleystay in UK laga joojiyo
Qaadka.
"Waxaan laga yaabaa inaad maanta u timaadeen damaashaad
iyo inaad xooga maskax caburka iska soo bi'isaan laakiin aniga
taasi ma arko. Haddaad u maleeyseen in maanta Soomaaliya ay
Waxaa sidoo kale isna musaabidan xuska 1da Luulyo ka soo
qeyb galay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ee
dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Faarax oo howlo shaqo u
yimid dalka Netherlands.
Agaasimaha waxa uu sheegay
inuu aad ugu faraxsan inuu
Soomaalida Holland kala soo
qeyb galo xuska maalinta qaaliga
ee 1da Luulyo, isagoo si kooban
uga sheekeeyey taariikhdii iyo
halgankii loo soo galay gobonimada Soomaaliya.
Geba gebadii munaasibada ayaa waxaa abaalmarin qaaliya la gudoonsiiyey qaar ka mida ururada howlaha muhiimka u qabtay
bulshada Soomaaliyeed, sida Dalmar Foundation oo ku guuleysatay ololaheeda dalka Holland looga mamnuucay Qaadka sanadkii hore ee 2013-ka iyo ololahii Qaad-Diid ee Abukar Cawale
ee dalka UK looga joojiyey cunista iyo ka ganacsiga Qaadka
sanadkan 2014-ka.
5
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
Warbixinada ururada jaaliyadda
S a f i i r k a S o o m a a l i y a U F a d h i y a Wa d a m a d a B e n i l u x I y o
Guddiga Fsan Oo Ka Shiray Dhibaatada Qaxootiga
By Salah Hassan
AMSTERDAM - Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya
Midowga Yurub, Ahna
Safiirka Soomaaliya ee
Wadamada Benelux
(Beljium, Nederland iyo
Luxemburg) Dr. Cali Saciid
Faqi, ayaa 18-kii bishii May
ee sanadkan 2014 waxa uu
Magaalada Amsterdam ee
wadanka Holland kulan
kula qaatay qaar ka tirsan
dhibanayaasha Qaxootiga
Soomaalida Holland ee
iyagu Dowlada Nederland
kasoo eryisay xerooyinka
Qaxootiga iyo Madaxda
Dallada Midowga Ururada Danjire Faqi oo guddiga FSAN kala shiraya arrimaha qaxootiga Soomaalida
Soomaalida Holland ee
uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay
waxa uuna sheegay in muddo badan
FSAN.
ku sugan yihiin dhibanayaasha, isla
ay qaxootigaan ahaayeen kuwo
Kulankii ugu
horeeyay
ayaa waxa
uu xarunta
SOMVAO ku
dhex maray
Danjire Faqi
iyo Madaxda
Dallada
FSAN, kaasi
oo ahaa mid
is barasho, isla markaana loogu
hadlayay sidii uu wada shaqeyn
buuxda u dhex mari lahaa Safaarada
Soomaalida iyo Dallada FSAN,
waxaana kulankaasi la iskula qaadaa
dhigay in Dallada FSAN iyo Safaarada Soomaalida iskala shaqeeyaan
Arrimaha Soomaalida Holland.
Kulan-kale oo kaa xigay oo ka
dhacay isla xarunta Jaaliyada
Soomaalida Magaalada Amsterdam ee SOMVAO, ayna soo qaban
qaabiyeen Dallada FSAN, ayaa waxa
uu dhex maray Danjire Cali Faqi iyo
Dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, iyadoona ujeedka
kulankaasi uu ahaa sidii Danjiraha
markaana uu ula qeyb-san lahaa
dhibaatada heysata.
Ugu horeyn waxaa
kulanka ka hadlay
Guddoomiyaha Dallada FSAN, Dr. Cali
Cabdi Waare, oo
Safiirka Soomaaliya
ee wadamada Benelux iyo Midowga
Yurub ugu warbixiyay Marxalada ay ku sugan
yihiin dhibanayaasha Qaxootiga
Soomaalida Holland, waxa uuna
Dr. Waare Amaan iyo Mahadcelin
ujeediyay Danjire Faqi oo isagu
muujiyay Dareen Soomaali-nimo iyo
mid Mas'uuliyadeed "Safiirka waxa
uu Beljium ugu soo safray sidii uu
ula kulmi lahaa dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, uuna ula
qeyb sanlahaa dareenkooda".
Dhinaca kale Wakiil u hadlay
dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, ayaa ku dheeraaday
dhibaatada xooga badan ee heysata
Soomaalida iyagu laga soo eryay xerooyinka Qaxootiga dalka Holland,
dibada jiifan jirey, inkastoo markii
danbe goobo kaniisado iyo meelo
horey u ahaa xabsiyo la dajiyay, balse
waqtigii loo qabtay in goobahaasi
ay daganaadaan ay muddo yar ka
hartay, isla markaana aan la ogeyn
sida ay ku sugnaan doonto xaalada
Qaxootiga.
"Dadkaan
badankood
waxa ay dowlada Holland
ku heysataa
ama ay
shaki gelisay
Soomaalinimadooda,
Danjiraha waxaan ugu mahadcelineynaa dadaalkiisa ku aadan
sidii uu dadkaan ugu caawin lahaa
warqadaha cadeemaha ee Soomaali
ahaan-shiyaha, balse weli waxaa
jira caqabad naga heysata dhinaca
Dowlada Holland, taasi oo ku aadan
in warqado kale nalagu xujeeyo,
ama aan la tex-gelin warqadaha ay
safaarada inoo sameyso, Mararka
qaar waxaa nalagu xujeeyaa in aan
A l - Us t a a d A x m e d Na aj i S a c a d o o s i w e y n l o o g u
s o o d h a w e e y a y N e t h e r l a n d s (Casho sharaf loo sameeyey)
By Salah Hassan
AMSTERDAM - Munaasabad Casho
sharaf aheyd oo lagu soo dhaweenayay Fanaanka weyn ee Al-Ustaad
Axmed Naaji Sacad, ayaa habeenkii
18-kii April ee sanadkan lagu qabtay
Magaalada Amsterdam ee wadanka
Nederlands, iyadoona xafladaan ay
si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Hey'adda HIRDA iyo Jaaliyada
Soomaalida Magaalada Amsterdam
iyo Nawaaxigeeda ee SOMVAO.
Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo
qeyb galay Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada
Benulex iyo Midowga Yurub, Dr. Cali
Saciid Faqi, xubnaha kala gedisan ee
Hor-muudyada Ururada iyo Jaaliyadaha dalka Nederlands oo ay ugu
horeeyeen Madaxda Dallada
FSAN, Aqoonyahano, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Fanaaniin ay ka mid
ahaayeen Cabdi Baadil iyo
Laki Xaaji Waceys.
Khudbado soo dhaweyn iyo
Baraarujin isugu jirtay ayaa
waxaa halkaasi ka jeediyay,
Guddoomiyaha Dallada
FSAN ahna Maamulaha
SOMVAO, Dr. Cali Cabdi
Waare, Danjire Cali Saciid Faqi,
Yaasmiin Calas, Ganacsade C/qaadir
Nuune, Agaasimaha Hey'adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, Shukri
Saciid iyo Xubno kale, kuwaasi oo
intooda badan khudbadahooda ku
xusay sida ay ugu faraxsan yihiin in
ay soo dhaweeyaan Fanaanka Qaran
Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad.
Waxaa sidoo kale Munaasabada
ka hadlay Al-Ustaad Axmed Naaji
Sacad, oo kasoo qeyb galayaasha
Munaasabada dib u xasiisiyay waayihii fanka iyo taariikhdii Soomaaliya,
isagoona halkaasi kusoo bandhigay
suugaan aad u qiimo badan oo soo
jiidatay dareenka dadkii kasoo qeyb
galay Xaflada.
Sidoo kale waxaa iyagana intii ay
Munaasabada socotay halkaasi
sugaan aad u macaanaa kusoo
bandhigay Fanaanka Cabdi Baadil
iyo Fanaanada Laki Xaaji Waceys,
iyadoona dareenka guud ee Munaasabada ay aheyd mid farxad iyo soo
dhaweyn ay ka muuqatay.
Ugu danbeyn Agaasimaha Guud
ee Hey'adda HIRDA Drs. Faadumo
Faarax ayaa halkaasi waxa ay Abaal
cadeymo u keenno, ka imaashiyaha
deegaanada aan kasoo jeedno" Ayuu
yiri Wakiilka u hadlay dhibanayaasha
Qaxootiga Soomaaliyeed.
"Qaar ka tirsanaa dadkii dhibkaan
nala qabay si qasab ah ayaa dalkii
loogu celiyay, mid ka mid ah wiilashii la celiyay waxa uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho,
dalkeena weynu jecelnahay, waxaana
diyaar u nahay in aan ku laabano
hadii xaalka uu haatan dalka ku jiro
wax iska badalo, balse marxlada uu
haatan dalka ku jiro waa mid muuqata in aan dib loogu laaban karin,
sidaasi daraadeed waxaan Dowlada
Federalka Soomaaliya ka codsaneynaa in si toos ah Dowlada Holland
ula soo xariirto, kuna wargeliso in
aan xilligaan dalka oo marxaladiisa
sidaan ah aanu dad si qasab ah loogu
celin karin" Ayuu yiri.
Shukri
Xasan
Saciid oo u
olaleysa sidii
wax loogu
qaban lahaa
dadkaan
qaxootiga ku dhiban dalka Holland,
ayaa dhankeeda ka hadashay marxalada adag oo ay qaxootigaan ku
jiraan, iyadoona dareen qiiro leh ku
muujisay dhibaatooyinka dumarka
ay kala kulmaan marxaladaan ay ku
sugan yihiin, caafimaad darrada iyo
daryeel xumada dadkaan heysta,
waxa ayna Dowlada Soomaaliya
ugu baaqday in ay fara-gelin cad ku
sameyso marxaladaan.
Ugu danbeyn waxaa kulankaasi
ka hadlay, isla markaana khudbad
si weyn loo wada dhowrayay ka
jeediyay Danjiraha Soomaaliya u
fadhiya xarunta midowga Yurub,
ahna Safiirka Wadamada Benelux
Dr. Cali Saciid Faqi "Runtii imaashiyaheega maanta iyo kulankaan,
marin ku guddoonsiiyay Al-Ustaad
Axmed Naaji Sacad, iyadoona
Munaasabada lagu soo dhaweenayay
Axmed Naaji Sacad ay aheyd tii ugu
horeesay oo nuucaan oo kale ah oo
ka dhacda Magaalada Amsterdam ee
dalka Nederlands.
waxa uu la xariiraa sidii aan idin la
qeyb-san lahaa dhibta aad ku jirtaan,
waan dareemi karaa qof qaxootiga
ah oo wadan qabooban jooga hadii
dibada la dhigo dhibaatooyinka uu
la kulmi karo, balse waxaan idin
cadeynayaa in Safaarada Soomaalida
ee wadamada Benelux ay si weyn ugu
damqaneyso xaalada aad ku jirtaan",
"Maanta
waxaan
jeclahay in aan
idin cadeeyo
Safaarada
Soomaaliya
ee wadamada
Benelux waxa
ay diyaar u tahay in ay cadeyso Qof
kasta oo qaxooti Soomaali ah, ayna
u fududeyso warqada sugnaanta
Soomaali-nimo iyo tan dhalashada,
balse waxaan codsanayaa in aad
ila shaqeysaan si iyaduna aan u
fududeyno waxii warqado ah oo
intaasi dheer" Ayuu yiri Danjire Faqi.
"Dowlada Federalka Soomaaliya
waxa ay ugu mahadcelineysaa
Dowlada Nederland magan-gelyada
ay siisay kumanaanka Soomaalida
ah, balse waxaan usheegayaa in
Dowlada Soomaaliya aysan xilligaan
awoodin in Qaxooti ay dalkeeda ku
ceshato, raalina kama nihi in qaxooti
Soomaaliyeed in si qasab ah dalka
loogu celiyo, waxaan leeyahay dib
noogu dhiga arrintaasi, waan kala
hadli doonaa madaxda wadanka
Nederland" Ayuu yiri Dr. Faqi.
Waxaa uu gaba-gabadii kulankaasi
Dajire Dr. Cali Saciid Faqi u mahadceliyay Madaxda Dallada FSAN
ee kulanka soo qaban-qaabisay,
isagoona qaxootiga ugu baaqay in
ay la shaqeeyaan Dallada FSAN,
maadaama xilligaan uu si toos ah
u bilawday wada shaqeyn buuxda
oo dhex maraya Dallada FSAN iyo
Safaarada Soomaalida ee wadamada
Benelux.
6
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
barbaarinta toosan ee ubadka
Muhiimadda Af Soomaaliga
Qaybta 1aad ee barbaarinta ubadka
W.Q: Abdikarim Mohamud
Qoraa iyo Barre
Barbaarinta ubadka Da’doodu 12
sano ka hoosayso
M
HORDHAC
ahad oo dhan ILAAH weyne
baa iska leh. Nabad iyo naxariisna nabigeenna (scw)
korkiisa ha ahaato. Intaa ka dib
waxaan jeclahay inaan qoraalkan ku soo gudbiyo warbixin ku saabsan barbaarinta ubadka Soomaaliyeed guud
ahaan, gaar ahaan ubadka bulsho aan
diin,dhaqan iyo Af la wadaagin ku dhex barbaaraya.
Qoraalkan oo noqon doonaa taxane, waxaan ku
lafa guri doonaa barbaarinta ubadkeenna oo
ah waxa ugu muhiimsan uguna dhibka badan
howlaha qofka bani aadamka ahi uu qabto.
Sababta keentay inaan qoraalkan diyaariyo
waxay la xiriirtaa, markii aan arkay in qaabka
dadka Soomaalidu ay ubadkooda u barbaariyaan intiisa badan uu yahay mid ilmaha dhibaatooyin u gaysta. Iyadoo waalid kasta ay u
jeedadiisu tahay wax wanaaji ayaa nasiibdaro
waxaa jiro dhaqan barbaarineed adag oo bulshadeennu wax ku tarbiyeeyso.
Waxaa suurtagal ah in marxaladda mugdiga ah
ee bulshadeenna dhan walba kaga habsatay ay
lug ku leedahay barbaarinta ilmaha Soomaaliga
ah uu qaato. Sidaa darteed suurtagal ayay noqon kartaa in dhibaatada maanta
bulshadeenna haysata xiriir la leedahay qaabka
aan u korinno ilmeheenna, kaasoo ah mid ay
ku yartahay naxariista iyo ixtiraamka ilmaha.
Muddo 10 sano ku dhow oo aan ku howlanaa
arrimaha caruurta Soomaaliyeed iyo xallinta
dhibaatooyinka waalidka ka haysta ubadka,
ayaan waxaan helay xog farabadan oo ku saabsan barbaarinta ilmaha Soomaaliyeed.
Waxaan arkay in saddexda meelood oo ka mid
ah meelaha uu ilmaha soomaaliaga ah tarbiyada ka qaato, kuwaasoo kala ah Guriga, dugsi
quraanka iyo iskuulka, qaabka tarbiyada ee
ilmuhu meelahaas aan sheegay ku qaataa waa
mid runtii naxariista iyo ixtiraamku ku yaryahay.
Waxaa dhacdo in haddii ilme yar uu qalad galo,
qaabka inta badan lagu saxaa uu yahay mid ay
ku jirto canaan yasid ah iyo dil uu huruuf ku
dhafan yahay.
Guriga: Waxaa in badan dhacda in iyadoo la
fiirin ilmuhu qaladka uu galay sababta keenaty,
in horay looga billaabo canaan, aflagaaddo iyo
gacan qaad.
Arrintaas oo ugu horrayntii ka hor imaanaysa
diinta islaamka. Waayo waxay diinteenu ina
faraysaa haddii qof qalad uu ka dhoco in marka
hore la is barbardhigo qaladka uu galay iyo
Wanaagii qofkaasi hore u lahaa. Haddii wanaag
badan lagu yaqaannayna waa in loogu naxariistaa wanaagiisii.
kana soo aflaxay hadduu madax, sheekh, Bare,
siyaasi, aqoonyahan iyo bulshada heerarkeeda
kala duwan inoo noqdo. Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa RATIGA YAR
KAN WEYN SAANQAADKIISA AYUU LEEYAHAY.
Arrintan way inaga maqantahay inteenna
badan. Tusaale arrintaan ku saabsan baa wuxuu Waxaan shaki ku jirin inay lamahuraan tahay
yahay mid ku tusaya meesha ay barbaarinteenu inaan dib u eegno hab ubad barbaarinteenna,
iskuna dayno inaan ilaha barbaarinta wax ka
salka ku hayso.
beddelno, si jiilalka soo socda u helaan barHaddii ilmahaaga yar aad tiraahdo biyo ii keen, baarin tayo leh.
ee intuu jikada aado koob biya ah kuu soo
shubo, marka uu kuu soo dhowyahay koobkii
ka baxsado biyihii daataan, koobkiina jabo,
waalidka soomaaliga ah waxay u badantahay
inuu ilmahaa yar ku qayliyo ama caayo amaba
dharbaaxo ugu daro.
Ilmahaa yar wanaag badan oo uu waalidkii u
sameeyay oo ay ka midyihiin inuu dhagaystay, u
soo adeegay waxaa ka xoog batay qaladkaa yar
ee ka dhacay oo laga yaabo inay keentay sabab
kale. Maxaa waalidka Soomaaliga ah xaaladdan
oo kale la gudboon inuu sameeyo:
• Inuu ilmihiisa yar dejiyo intuu madaxa u
salaaxo u mahadceliyo una duceeyo.
Ubadku waa hantida ugu qaalisan ee ay umadi
leedahay. Waa indho doogsiga maanta iyo
rajada berrito. Haddaba hadii ay sidaa tahay
waxaa nalooga baahanyahay inaanu ka fekerno
sidii aan ku soo saari lahayn fac aynu ku faanno,
xaaladda mugdiga ahna ka saara bulshadeenna.
Ujeedadaydu marna ma aha inaan dhaqankeena iyo hab ubad baraarinteenna ceebeynayo.
Ujeedkaygu waa inaan bulshadeyda la wadaago
fikirkayga, kuna dhaliyo in waxyaabaha qaar
sixid u baahanyihiin, kana wada fekerno habkii
aan ku sixi lahayn.
QODOBKA koowaad: Afka Soomaaliga.
Qoraalkan taxanaha ah qaybtiisa koowaad
waxaan kaga hadli doonaa muhiimadda Afka
• U sheego inuu ku faraxsanyahay inuu ilmuhu
Soomaaliga u leeyahay barbaarinta ubadka
dhagaystay una soo adeegay.
Soomaaliga ah.
• Koobka jabay aruuriyo biyahana tirtiro.
• Ilmihiisana ka dalbado inuu koob kale oo
biyo ah u keeno.
Waxaan rumaysnahay haddii waalidka
Soomaaliga ah intan iyo in ka sii wanaagsan
sameeyo, in xiriirka isaga iyo ilmihiisa sii wanaagsanaanayo, ilmaha yarna ay cashar lama iloobaan ah u tahay, kuna barbaarayo inuu dadka
kale sidaa ula dhaqmo.
Dugsiga iyo iskuulkaba ardayda gacan ka hadal
iyo canaan ayaa lagu saxaa hadday si wanaagsan wax u baran waayaan, amaba qalad ka
dhoco. Ilmaha yar habdhaqankan wuu ku dayanayaa inta uu yaryahay, markuu weeynaadana
wuu dhaqangelinayaa, haduusan helin dhaqan
kale oo ka bedela wixii uu yaraantii ku barbaaray.
Macallimmiintu inta badan ma eegaan xaaladda gaar ahaaneed ee ardayga.
Awoodda waxbarasho ee ardaydu isku mid ma
ahan, sidoo kale xaaladda guriga iyo deegaanka
ardayda ku xeeranna way kala duwantahay.
Waxaa habboon in macallimmiintu ogyihiin
xaaladda gaar ahaaneed ee arday walba, si ay u
miisaamaan awoodda waxbarasho ee arday
walba, una fahmi karaan sababaha keenaya
haddii arday khalad ka dhoco.
Su’aasha is weeydiinta mudani waxay tahay
maxaan ka filaynaa ilmihii yaraa ee guriga, dugsiga iyo iskuulka kor ku xusan ku soo barbaaray
Luuqada waa furaha isfahmka. Waaliddiinta
Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah intooda
badan, inkastoo uusan jirin tirokoob rasmi
ah 90% afkooda hooyo waa Af Soomaaliga.
Taa waxaa liddi ku ah caruurtooda. Ubadka
Soomaaliyeed
ee qurbaha ku dhasha ama ku barbaaraya
100% afkooda hooyo waa luqadda waddanka
ay ku barbaaraan. Arrintan waxay caqabad ku
tahay isfahamka waalidka iyo caruurtooda.
Haddiiba ubadkaaga aydaan is fahmayn way
adag tahay inaad tarbiyayso.
Haddaan rabno inaan ubadkeenna diinteenna
iyo dhaqankeenna suuban dhaxalsiinno, waa in
isfaham buuxa oo xagga luuqadda ah la helaa.
Siyaabaha isfaham waalidka iyo ubadkooda
lagu heli karo waxaa ka mid ah:
• In waalidka si fiican u bartaan Afka ay ubadkoodu ku hadlaan, waana kan waddanka ay
ku barbaarayaan.
• In ubadka Af Soomaaliga si wanaagsan loo
baro.
Haddii midda hore inoo fududahay dhibaataba
ma jirteen. Sidaa daraaddeed waxaan laga
fursanayn in ubadka Af Soomaaliga si fiican loo
baro.
.......La soco Qeybta kale iyo daabacaada
dambe
7
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
qurbaha iyo doorka haweenka Soomaalida
Z ahra Nale ye o o ka qe y b gashay shirka c aalami
ah o oka d hac ay Burk ino Faso haweenka”
Z
ahra Siyaad
Naaleeye oo
dalada FSAN ee
mideysa ururada
Soomaalida ee
dalka Netherlands u qaabilsan arrimaha difaaca xaquuqda iyo horumarinta haweenka
Soomaaliyeed ayaa wareysi
ay siisay wargeyska FSAN
waxay faahfaahin ka bixisay
shir caalami ah ay kaga qeyb
gashay dalka Burkino Faso
ee galbeedka Afrika, kaasoo
looga hadlayey dhibaatooyinka dhinaca xaquuqda ee
dumarka Afrika.
tay baaris ay ka sameysay Somalia,
taasoo ciwaan looga dhigay 'Somalia
oo ah meesha ugu xun ee hooyo lagu
noqdo'.
"Runtii waa wax aad looga
xumaado,loogana murugoodo,
ciwaanka warbixintaasi, laakiin waa
wax jira, waxayna warbixintu taabanaysaa heerka dhibaatada haysata
hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku
nool dalka Somalia. Sababta warbixintan waxay ku saleeyeen dhinaca
caafimaad-darada, sida in Somalia
ay tahay dalka ugu umul-raacashada
badan, macnaha hooyooyinka ku
geeriyooda foosha." ayey tiri Zahra oo
intaa ku dartay inuusan Soomaaliya
ka jirin daryeel caafimaad oo lacag
la'aan ah, dadkuna aysan awoodin
inay tagaan goobaha caafimaadka ee
gaarka loo leeyahay oo qaali ah."
Zahra waxay sheegtay in
shirkaasi oo qabsoomay 24
ilaa 26 April ay uga qeyb
galeen, iyada iyo Shamso
Xasan, magaca Soomaalida
Netherlands, aadna loogu soo
Zahra waxay sheegtay in warbixintan
Zahra oo ka qeyb galaysa shirka xaquuqda haweenka ee ka dhacay Burkino Faso
dhoweeyey halkaasi.
ay ka tarjumayso xaqiiqda dhibaShirkaasi waxaa sanadkan si weyn looga dooday sidii
atooyinka haysta dumarka Soomaaliyeed ee ku nool
dagaal wada-jir ah loogaga hortagi lahaa gudniinka
Waxay sheegtay in shirkaasi uu soo abaabulay ururka
gudaha dalka.
hablaha oo si looga isticmaalo qaarada Afrika, gaar
Inter African Committee oo u ololeeya la dagaalanka
ahaan Soomaaliya oo warbixino baaritaan ah oo sancaadooyinka xun xun, sida gudniinka, guurka qasabka
"Dhibaatada ugu badan ee dalka ka dhacday soo gaaradkan la sameeyey oo xaga sare ka galay dhibaatada
IWM. “Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin
tay haweenka sida gudniinka, kufsiga, wiilkeeda ama
gudniinka uu ku hayo dumarka.
firfircoon ay ka aheyd ururkaasi burburkii dalka ka hor,
ninkeeda oo laga dilay, gaajo iyo rafaad iyo agoon koris
gaar ahaan ururkii haweenka Soomaaliyeed, waxaana
oo aany jirin cid ka caawinaysa sidii ay ay uga kabsan
"Xaaska madaxweynaha Burkino Faso iyo hay'ado
ururkaasi 1984-tii lagu aasaasay magaalada Dakar ee
laheyd dhibaatadaasi." ayey tiri Zahra.
caalami ah oo shirkan ka soo qeyb galay ayaa sameyeen
caasimadda dalka Senegal, laakiin waxa ay xaruntibalanqaadyo ku saabsan sidii dagaal loogu qaadi lahaa
isa ugu weyn ay ku taala magaalada Addis Ababa ee
Qaxootiga cusub
gudniinka, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan
Mar wax laga weydiiyey dhibaatooyinka la soo dersa
qaxootiga Soomaalida ku cusub yihiin nolosha dalka
Netherlands iyo xalkeeda, ayey waxay Zahra sheegtay
in qofka uu maanka ku hayo inuu yimid dal dhaqan,
diin iyo midab ahaan ka duwan.
caasimadda Ethiopia, waxaa kaloo in la xuso mudan in
1988-tii shir-weynaha ururkaasi lagu qabtay magaalada
Muqdishu, kaasoo ay waqtigaasi ka soo qeyb galeen 29
wadan oo African ah oo ururkaasi xubno ka ah,” ayey
tiri Zahra oo ka sheekeenaysay taariikhda Soomaaliya
ay laheyd ururkan Inter African Committee.
Shirkan oo ah mid la qabto saddexdii sanaba mar,
ayaa waxaa ka qeyb gala golaha guud ee ururka Inter
African Committee, waxaana looga doodaa dhibaatooyinkii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo
xalkooda, iyo waliba qorshayaasha saddex sano ee soo
socota.
"Shirkaasi waxaan uga qeyb galay anigoo matalayey
dalada ururada Soomaalida ee FSAN, waxaana aad
uga xumahay inuu banaanaa kursigii loogu tala galay
Soomaaliya, inkastoo markii dambe aan aniga iyo
Shamso iskala qeybinay oo markaa Shamso ay ku
fariistay kursigii Soomaaliya, aniguna aan mataleyey
Soomaalida Netherlands." ayey tiri Zahra.
Mar la weydiiyey sababta ay dowlada Soomaaliya uga
maqneyd shirkaasi caalamiga, ayaa waxay Zahra sheegtay. "Runtii waxay qoladii shirka qaban qaabisay ee
InterAfrican Committee ay ii sheegeen inay dowlada
Soomaaliya ay shirkan ku casuumeen, laakiin nasiib
daro aysan jirin wax jawaab ah oo ay heleen, markaa
waa wax laga xumaado arrintaasi,"
Shirkan waxaa kaloo ka soo qeyb galay wafuud ka kala
socotay Jabuuti, Ethiopia iyo Somaliland oo sheegtay
inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.
qeybaha bulshada Afrika, si loo yareeyo dhibaatada
gudniinka uu ku hayo aduunka," ayey tiri Zahra.
Maadaama gudniinka uu dhibaatada ugu badan
ku hayo hablaha Soomaalida, ayaa Zahra waxay ku
celcelisay in ololaha ka hortaga caadadan xun ay ka
qeyb qaataan culimada iyo dhamaan aqoonyahanada
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la
adeegsamayo bay tiri warbaahinta.
Waxay kaloo Zahra sheegtay in dowlada federaalka ee
hada jirta iyo dhamaan maamulada ka dhisan gobolada
looga baahan yahay inay qeyb weyn ka qaataan ololaha
ciribtirka gudniinka oo lagu daro dhamaan howlaha
mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka.
"Waxaan og nahay in meelo badan oo Somalia ka mida
ay ka socdaan howlo la xiriira arrimaha bulshada sida
waxbarashada dugsiyada, gargaarka iyo mashruucyada
horumarinta deegaanka, marka waxaa haboon in howl
kasta oo la qabanayo qeyb ka mida laga dhigo joojinta
gudniinka, dadkana miyi iyo magaalo lagu wacyi
geliyo dhibaatada gudniinka uu u leeyahay nolosha
bani'aadamka," ayey tiri Zahra. "Waxaan ku dhaliiyaya
dowlada federaalka inay arrintaasi si weyn uga gaabisay
oo ay ku mashquushay khilaaf iyo waxyabo aan loo
baahneen,"
Dhibaatada Hooyada
Zahra waxay kaloo aad ugama xumaatay warbixin ay
bilo ka hor hay'ada Save The Children ka soo saar-
"Horta waxaa xusuus mudan inaan isku sheegno inaan
imaanay dal aan nagu af, diin, dhaqan iyo midab toona
aheyn, isla markaana aad uga cimilo duwan Afrika,
maalin qorax, maalin roob, maalina baraf, oo qaraabana aysan kuu joogin laakiin aad haysato nabadgalyo, waxbarasho iyo waxaad ku noolaato. Waxaa
marka looga baahan yahay qofka dalkan ku cusub
oo maskaxda ka shaqeysiiyo oo uu isku dayo inuu is
dhexgal la sameeyo bulshada Dutch-ka oo uu noqdo qof
furfuran oo wax badan ka ogaada sharciga, nolosha iyo
dhaqanka dalkan iyo waliba sida ugu haboon ee uu uga
faaíideyan karo fursadaha jira." ayey tiri Zahra.
"Horta qofka marka uu da' yar ku soo galo dalkan,
waxaa ka masuul ah dowlada oo gacanta ku haynaysa
ilaa uu ka gaarayo da'da qaangaarka ah ee 18 jirka,
markaa ka dib ayuu qofa xor u yahay noloshiisa iyo
inuu isaga go'aan ka gaaro mustabalkiisa oo ku dadaalo
inuu waxbarto, waliba dadka dhalinyarada waxay
haystaan fursad weyn oo ah inuu sameeyo (Opleiding)
tababar waxbarasho oo uu barto maadada uu doonayo
oo markaasi uu mustabalka ku shaqeysan karo uuna
ku anfici karo noloshiisa iyo tan reerkaba." ayey intaasi
raacisay Zahra.
Waxay sheegtay in dad badan oo Soomaaliyeed oo
isugu jira raga iyo dumarba ay la qabsan waayeen
nolosha cidlada ah maadaama ay u barteen nolol
bulsho wada-nool, taasina ay ku sababtay isla hadal iyo
buuq xaga maskaxda ah oo aakhirkii ku keenay inuuba
isaga laabto Soomaaliya oo markii uu kaga soo cararay
nabadgalyo xumo.
Si arrintan looga gudbo, waxay baaq u jeedisay ururada Soomaalida ee ka dhisan magaalooyinka dalkan
Netherlands inay la socdaan xaalada Soomaalida cusub
ee lagu dejiyey tuulooyinka fog fog oo ay u sameeyaan
barnaamijyo dadkaasi looga caawin karo xaga barashada luqada iyo isdhexgalka bulshada Dutch-ka.
8
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
la dhaqanka bulshada dutch-ka
Maa l i nta Dhaqan k a S o om a a li d a O o L a g u Q abt ay D a l k a Hol l an d
-Warbixin Faa hf aa hs an-
By Abdishakur Elmi
Xaflad ballaaran oo ay soo
qabanqaabiyeen Guddiga ururka Jaaliyadda
Soomaalida ee ka dhisan
magaalada Zwolle ee
waddanka Holland ayaa
bishii April ee sanadkan lagu
qabtay isla magaaladaasi,
waxaana xafladan oo aheyd
mid ka mid ah xafladaha
ugu ballaaran ee Soomaalida Holland ku dhaqan ay isugu
timaado ka soo qeybgalay marti sharaf Soomaali & Dutch
isugu jira.
Xafladaasi waxaa loogu magac-daray (Maalinta dhaqanka
Soomaalida), waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddi
ka socday dowladda hoose (Gemeente huis) Zwolle, waxaana heeso waddani & talantaali ah ku maaweelinayey ka
soo qeybgalayaasha fanaaniin uu horkacayey fanaanka
Cabdi Baadil Ibraahim, oo dad badan oo xaflada ka soo
qeybgalay soo xusuusiyey waayo waayo & maalmihii
wacnaa.
C/qaadir Maxéd Abuukar oo ka mid ah aasaasayaasha
ururka Soomaalida, wuxuu daah rogay, si mug lehna ugu
iftiimiyey dadkii madasha ku sugnaa taariikhda Soomaaliya, isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey guud ahaan
taariikhda & xadaaradda Soomaaliya, taas waxaa si weyn
uga faaķdeystay da’yarta Soomaaliyeed ee ku dhashay,
ama u hana-qaaday waddanka Holland, waxaana C/
qaadir isaga oo isticmaalayey (Khariirad) uu si cilmiyeeysan u hoga-tusaaleeyey halka ay Soomaaliya juqraafi
ahaan Afrika kaga taal,waxyaabaha ay caankaku tahay &
marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.
“Soomaaliya 10 jeer ayeey ka weyn tahay Holland, wadan
kasta wuxuu leeyahay dhaqan u gaar ah, dhaqanka waa
aqoonsiga (identity) qofka” ayuu yiri C/qaadir Maxéd
Abuukar.
AVV. Muuse Xersi oo ah rug
cadaa muddo dheer ka soo
shaqeeyey ururada Soomaalida, kana mid ahaa dadkii
ugu horreeyey ee seeska u
dhigay Jaaliyadihii ugu
horreeyey ee Soomaalidu
sameysato, wuxuu ku ammaanay Jaaliyadda Zwolle in si
weyn ay u soo jiidatay dareenkiisa markii uu arkay habka
quruxda badan ee ay u soo bandhigeen Hidaha &
dhaqanka Soomaalida.
“Waxaan ka socdaa ururka SOMVOA ee Jaaliyada
Amsterdam oo aad wada garaneysaan, xiriir wanaagsan
ayaa naga dhexeeya Jaaliyadda Zwolle, waxyaabo badan
inaan iska kaashano ayaanu ku balanay, in badan ayaanna
caawa idinka faaķdeystay, dhaqanka sida aad u weyneyseen aad ayaan uga farxay” ayuu yiri Garyaqaan Muuse,
wuxuuna ku booriyey Jaaliyadda in ay halkeeda ka sii
wado dedaalkooda.
Col. Shariif Cabdiwaaxid oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kana gaaray ciidanka
darajada korneyl, ayaa isaga oo ku hadlaya
magaca Jaaliyadda Zwolle & nawaaxigeeda
wuxuu u mahadceliyey dhammaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maanta ay
ku beegneyd markii la aasaasay.
“Maanta waa maalin farxad weyn leh 12-kii Aprill ayaa la
aasaasay xoogga dalka, markii hore waxaa lagu aasaasay
2 kun oo la dhihi jiray Cali boobaaye markii dambe wuxuu
noqday Afrika dowladda 3-aad ee ugu xoog roon, aad &
aad ayaan ugu hambalyeynayaa dadka Soomaalida meesha jooga” ayuu yiri Col. Shariif Cabdiwaaxid.
Fanaanka Cabdi Baadil Ibraahim oo heeso waddani ah
& kuwa talan-taali ah ku madadaalinayey dadkii ka soo
qeybgalay
ayaa intii ay
khudbaduhu
socdeen wuxuu
dhex-taal
kaga dhigayey
heeso waddani ah, waxaana
dadkii
munaasabada ka
soo qeybgalay ay kulligood
isla qireen Cabdi Baadil inuu fannaaniinta kale kaga
duwan yahay inuu yahay shaqsi laga dhadhansan karo
jaceylka dalkiisa & dadkiisa, waxaana heesaha waddaniga
ah ee uu ku luuqeeyey Cabdi Baadil ka
mid ahaa ALLAA WEYN, Jecliyaaye
Jamaad dhulka hooyo, xornimo aan ku
joogee & heeso kaleoo fara badan.
“Dad badan ayaa u dhintay magaca
SOOMAALI, magacaas sharaftaas inoo
soo jiiday wuxuu naga mudan yahay
inaan ubadkeena fahamsiino qiimahiisa, fanaaniinta waa guubaabin jireen
ciidamada, waxaa ka mid ahaa fanaaniinta ciidamada
guubaabin jiray AUN Maxéd Saleemaan (Tubeec)” ayuu
yiri Cabdi Baadil Ibraahim.
Dr. Cali Cali Waare oo madax ka ah Dallada FSAN oo
ah dallad ay ku mideysan yihiin guud ahaan ururada
Soomaalida ee Holland ka dhisan ayaa ka mid ahaa martidii madasha ka hadashay, wuxuuna Cali Waare u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey munaasabada.
``Waddankan Soomaalida ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 35 kun ilaa 40 kun, dadkaasi ma ahan dad meel
wada degan, dadka magaalooyinka degan way is uruurin
karaan, Soomaalidu waxey wax ku gaari kartaa isku duubnida & iskaashi” ayuu yiri Dr. Cali Waare.
Dr. Cali Waare wuxuu kaloo sheegay inuu si shaqsi ah
xanuunka & dhibaatada ula qeybsanayo
Soomaalida xabsiyada Kenya ku xiran,
wuxuuna dowladda Kenya u soo jeediyey
in ay xaq dhowrto heshiisyada caalamiga
ah ee ku saabsan ilaalinta xuquuqda
aadanaha oo Kenya ay ka mid tahay dalalkii wax ka saxiixay.
“Anigoo aan dooneyn inaan ka hadlo mowduuc siyaasadeed, haddana waxa Kenya ka dhacaya & dhibaatada
dadkeena loo geysanayo ma ahan wax la si daawan karo,
waxaan ka xumahay dhibaatada loo geystay, ilaa haddana
lagu hayo dadka Soomaaliyeed. Dowladda Kenya waa
dowlad madax-bannaan oo ciddii ay doontana diidi karta
ciddeey doontana soo dhoweysan karta, sidaas oo ay tahayna waxey Kenya xubin ka tahay dowladaha caalamka
ee heshiisyada caalamiga ah wax ka saxiixay, in dad shicib
ah la soo xirxiro oo sidii xoolihii inta meel la isugu geeyo
la yiraa waa argagixiso wax dareenkeenu fiirsan karo ma
ahan” ayuu yiri Cali Waare.
Canab C/llaahi oo loo yaqaan (Istaahil) oo ka tirsaneyd
gabdhihii ciyaaraha kubadda koleyga
Soomaaliya, una soo ciyaartay Kooxdii
Jenyo, ayaa dadkii ka maqsuuday sida
loo soo bandhigay Hidaha & dhaqanka
Soomaalida aad u soo dhoweysay, waxeyna sheegtay in ay ku faraxsan tahay in
Soomaalida ay kala soo qeybgasho iyaga
oo maamuusaya dhaqankooda.
``Anigu waxaan ka mid aha gabdhihii kubadda koleyga
Jenyo, 22 sano ka hor ayaa igu dambeeyey Soomaaliya
Qarankii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ayaan u soo
ciyaaray`` ayey tiri Istaahil.
Axmed Cabdi Maxśud (Axmed Hayaan) oo ah aqoonyahankii ugu horreeyey ee hurdada ka kiciyey Jaaliyadda
Zwolle & nawaaxigeeda, kuna baraarujiyey Soomaalidu
in ay wax la qabsadaan dadyowga kale ee kheyrkooda
ah, ahaana Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Jaaliyadda
ayaa looga mahadceliyey halkii uu soo gaarsiiyey howsha ururka, waxaana Axmed Hayaan oo hadalo kooban
madasha ka jeediyey uu sheegay in tillaabooyin dhowr ah
horay loo qaaday, balse aan la gaarin hadafkii & baahidii
ururka loo aasaasay aan weli la gaarin.
C/qaadir Cali (Nuune) oo Madax ka ah
xilligan ururka Jaaliyadda Soomaalida,
ahna aqoonyahan magac weyn ku dhex
leh Soomaalida Holland, isaga oo ka
warbixinayey hadafka ururkooda wuxuu
sheegay in ururkoodu ka shaqeeyo isku
xirka Soomaalida & is-taakuleynta
dhexdooda ah.
“Waxaan dooranay inaan qaadno dariiq ka duwan dariiqa
ururada kale ee Soomaalida, waxaan diyaarineynaa inaan
isku xirno dhammaan da’yarta Soomaaliyeed ee waxarashadoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed ee degan
Magaalooyinka Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow, si
dhexdooda ay isu caawiyaan, u kala fikrad qaataan, waxaa
jira dhalinyaro waxbarashada meel wanaagsan ka gaaray
jecelna in ay u faa’iideeyaan dadkooda, iyaga ayaa isku
xirkaas naga codsaday” ayuu yiri C/qaadir Nuune wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu tahay mushtamac dhinac
marka laga eegana uu ILLAAHEY ku maneystay qalbi
furnaan, isku naxariista, haddana dhibaatada haysataa ay
tahay dantii gaarka aheyd ayaa waxaa nagala weynaatay
tii shaqsiga, qabiilkii ayaan ka door-bidnay Qaranimada,
waxaan saqiir iyo kabiir noqotay dad calanka u qaatay in
ay iyagu is feyla gooyaan.
“Kuwa fursada u helay in ay qurbaha yimaadaan ee soo
gaaray Yurub, gaar ahaan dhalinyarada waxaan u soo
jeedinayaa in ay maskaxda ku hayaan dalkooda, gacanna
ka geystaan nabadeyntiisa, waxaa jira dad hal qabsi ka
dhigtay waxaan dalka ku laabanayaa marka uu nabad noqdo, qof kasta oo Soomaali waxgarad ah waxaa ku waajib
ah inuu (conterpution) ka geysto nabadeynta dalkiisa, 23
sanno oo ay Soomaali dhexdeeda xabbada isla dhaceysay
maanta horumarka yar ee la gaaray wuxuu yahay qabiilkii
inuu sii dhammaanayo inkastoo weli uu ku harsan yahay
dadka qaar, haddana dhainyarada aan anigu ka midka
ahay waxaan leeyahay walaalayaalow gurigeena (DALKEENA) cid kale inay inoo hagaajiso dhici meysee, aan si
wadajir ah uga qeybqaadano inaan dadkeena walaaleyno,
kana qeybaadano dib u dhiskiisa & horumarkiisa” ayuu
yiri C/qaadir Nuune, wuxuu intaa ku daray in dalkii uu ka
soo tegay isaga oo aad u da’ yar, riyadiisuna ay tahay inuu
dib ugu laabto, wixii uu qurbaha ka soo kororsadayna uu
geeyo halkaasi.
Nuune wuxuu sheegay in Soomaalida, gaar ahaan kuwa
qurbaha ku nool in qaarkood dhibaatooyin ay kala kulmaan qurbaha, gaar ahaan fahamka dhaqanka, barashada
luqada, la qabsiga bulshadda, dhibaatooyinkaas oo jira
haddana in ay soo badanayaan Soomaali kale ee meherada ka dhigtay in ay Soomaalidii walaalahood ahaa ceebo
u yeelaan.
“Soomaaliya maadaama ay ku raagtay fowdo & xasilooni
darri, haddii aad aragto mar dhow dad ku leh Soomaaliya
halkeey qariirada adduunka kaga taal ha la yaabin, waayo
sidii adduunku inoo ciyaarsiinayey annagana aan rasaasta
ugu ciyaareynay ayaan ku dhownahay in qariirada adduunka na laga tirtiro” ayuu yiri Nuune, wuxuu talo ugu
soo jeediyey Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii
loo soo celin lahaa magacii & sharaftii Soomaali ay lahaan
jirtay.
C/qaadir Nuune wuxuu kale oo uu ka hadlaya wadashaqeynta ka dhexeysay Jaaliyadaha ku mideysan
ururkooda.
“Jaaliyadaha ku mideysana ururkan, waa ummad walaala
ah isku xiran, isku dan ah heel meel na u wada jeeda”
ayuu yiri Nuune.
Gabagabadii waxaa jiray shaqsiyaad isugu jira rag & dumar oo lagu abaalmariyey abaabulkii ay ka geysteen qabsoomida munaasabada, waxaana dadkaasi ka mid ahaa
Aqoonyahan Cabdirisaaq Zeylac oo kaalintii uu ka qaatay
qabanqaabada ka sokow, haddana door weyn ku lahaa
soo bandhigista qalabka hidaha & dhaqanka Soomaalida.
Zeynab Saalax.
Agabka dhaqanka iyo hidaha Soomaalida
9
Daabacaada 2aad
Cadadka 2aad
Taariikhda 15 Luulyo 2014
fariin-caafimaad
H
ayáda dalka Netherlands u qaabilsan dhinaca caafimaadka bulshada ee GGD iyo Dalada ururadda Soomaaliyeed ee FSAN waxay ogeysiinaysaa Haweenka Soomaaliyeed ee dalkan in loo sameeyey xarumo ay u tagi
karaan la tashiyo dhinaca caafimadkooda ah, gaar ahaan cudurada haweenka.
Haddii aad tahay gabadh/haween, aadna dareemayso in ay dhibaato caafimaad kaa haysato gudniinkii lagugu
sameeyey, waxaad tagi kartaa xarunta kuugu dhow ee la talinta caafimaadka oo ay diyaar kuugu tahay kalkaaliye caafimaad oo kula eegaysa waxaad u baahantahay.
Waxaa talooyin lagaa siinayaa sidii dhibkaan aad uga bixi laheyd ama laguugu sii gudbin lahaa dhakhtar takhasus
u leh xanuunka ku haya daaweyntiisa.
Haddaba waxaa xarumahan lagaaga furay magaalooyinka hoos ku qoran adigoo kala xiriiraya telefoonadda
hoos ku qoran:
Den Haag
Nijmegen
Eindhoven
Groningen, Drenthe iyo Friesland
GGDNoord-en Oost-Gelderland, Apeldooran
Rotterdam
Waxay haweenku tagayaan isbitaalka Hagazienkenhuis,
maalinta Isniin saacada 9.00 ilaa 12.30 durhurnimo. Kala
xiriir mobiil lambar. 06-47 00 87 93
Waxaad tagi karaan isbitaalka Catherina ziekenhuis maalmaha subaxa Arbacada iyo subaxa Jimacaha saacada 9.00 ilaa
13.00 duhurnimo, kala xiriir mobiil lambar 06-54 34 80 03.
Waxay dumarku la xiriir karaan maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada, saacada 10.00 ilaa 12.00 duhurnimo
Teleefoon lambar 088 443 33 44
Waxay haweenku tagi kartaa xarunta caafimaad ee Toine LagroJanssen oo ku dhex taala jaamacada caafimaadka ee UGC, kala
xiriir Teleefoon lambar 024-322 43 40
Waxay haweenku balan ka samaysan karaan mid ka ah shanta
dhakhtar ee Noord Nederland: Teleefoon lambar (0900-736 73 66) ama
emailkani : [email protected])
Haweenka waxay balan ka sameysan karaan
mobile lambar 06-52 74 99 24.
Regio Hart voor Barabant (Tilbug & Denbosche)
Waxay haweenku wici karaan kalkaaliye caafimaadka ee barnaamijka sense Telefoon lambar (0900-369 69 69)
Ogow
i n a a d h e s h o ta l o - b i x i n c a a f i m a a d w a a u m u h i i m n o l o s h a a d a
!
10
Daabacaada 2aad
aragtida aqoonyahanka jaaliyadda
Cadadka 2aad
Arrimaha Welwelka Iyo Walbahaarka Ku Keena Qofka Qaxootiga Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto.
M.Farah Aden
(Ghandi)
Qoraa-sare
axa iyo Qoxootigu waa wax ILLaahay laga hoos galo oo laga
ducaysto ,sababtoo ah qofna
ma jecla in gurigiisa uu ka qaxo,hadii
ayna ku kalifin duruufo gaara ,marka
dhibaato ay dhacdo ee dadku qaxaan
waxa ay aadaan deegaan xasiloon oo
ay ku badbaadaan, dabadeedna waxay
raadiyaan sidii ay u samato bixi lahaayeen ee ay u heli laaheeyen kaalmooyin
bani'adanimo iwm.sidaas awgeed dadku
marka ay qaxaan wax ay isugu jiraan
qaybaha kala duwan ee bulshadu ay
ka koobantahay , iyadoo marka ugu
horaysa loo kala saaraa qoxootiga labo
qaybood oo kala ah sidan:-
Q
A). Qoxootiga wadanka gudihiisa ku ah
Qoxooti oo u sii kala baxaya Qoxootiga
reer Baadiyaha ah (Rural Refugees) iyo
Qoxootiga loogu yeedho baro kacaayaal
( Displaced refugees).
B). Qoxootiga Reer Magaalka ah ( Urban
Refugees) Qoxooti Wadammada dibeda
u hayaama ee loogu yeedho magangalyo
doonka ( Asylum Seeker )
Welwelka ugu horeeya ee Qoxootiga
saameeya
Dadka qoxootiga ahi marka yimaadaaan
deegaan cusub waxa ay ka simayihiin
saddex welwel oo ah sidan.
1.Xaaladaha khusaysa noloshiisa
(Qoyskiisa, in isbadel uu sameeyo, iyo In
Nabadgleyo uu ku noolaado)
2.Marxalladaha Bulshada dhexdeeda
(Is dhexgalka bulshada, Qaraabada iyo
Asxaabta)
3.Xaaladiisa Caafimaad aan lahayn
xanuun Maskaxiyana iyo xubno jidhka ah
oo deeqaha Eebe ay ka dhimanyiiin.
Saddexda walbahaar xusuusta ku reeba
maskaxda qofka qoxootiga ah
1. Murugada Xusuusta Xaaladihiisii hore
ee tagay (Deegamadii uu ku korey, iyo
dhibaatadii soo martey)
2. Welbahaarka Xaalada degaanka uu ku
suganyahay (Diinta, dhaqanka, luqada
iyo Cimilada)
3. Walaaca Mustaqbalkiisa ( Qoyska
oo aan baahnayn, sharci, waxbarasho,
Shaqo, Raysamaal , Cimriga iyo Caafimaadka )
Maxaa keena welwelka qoxootigu in ay
murugoodaan ?
Welwelka waxaa keena saddex arimood
oo ah kuwa muuqda ee la isku raacey ee
la soo gudboonaada qofka qoxootiga.
1. Welwel kedis ah ama ku soo boodo ah
( Acute Stress)
Geerida qof aad jeceshahay, Masuubooyinka Dabiiciga ah iyo Shil culus
2. Welwel dabo-dheeraada: (Chronic
stress)
Xanuun dabo-dheeraada,Xerooyinka
Qoxootiga ee lagu ku raago, sharciga oo
ka raaga, Shaqo mashquula, shaqo ka
fadhiisiin Imtixaanka la dhaco, iyo kala
taga qoyska)
3. Welwelka maalinkasta Jooga:
(Daily hassles stress) Gadiidka dawaynaha oo daaha, shaqada laga daaho, Jidka
oo xidhma, Baabuurka ama buskulaytiga
oo jaba iyo Is-bedelka hawada.
Afarta qaybood ee Welwelka iyo Walbahaarku ay ka abaaraan qofka
Sidoo kale welwelka iyo walaaca ugu
wayn ee Qoxootiga ku nool dalalka
shisheeye waa ka loo yaqano (HOMESICK ) ee ay qaloodaan qoxootigu oo ay
tabaan in waxbadan ay ka maqanyihiin
oo ku hilowda sidii ay ugu noqon lahayeen dhulkoodii hooyo , sida Soomaalida
oo kale oo inta badan guryaha ay u
yaaliin uguna xidh-xidhanyihiin boorsooyinku ama shandadaha, wakhtiga la
noqonaya aan la garanayn.
Xilliyadda ugu badan ee ay gacanta ka
hadlaan dadka welwelsan
1.Calamadaha uu dareemo Jidhka qofka
welwelsan ( Body Stress symptoms)
Madax wareer, jidh cuncun, qoor
xanuun, garbo xanuun, calool xanuun,
dhagaha oo foodhya, yalaalugo, dedeg
wax cunid,cunto yaraan, hurdo yaraan,
fadhi badan, tamar la'aan, socod jiho
lahayn, caajis,dib dambe u qoslin, kali
socod, wax aan macno lahayn isku
mashquuliya.
2.Calaamadaha Saameeya Niyadda
qofka welwelsan (Emotional stresssymptoms )
( Deganaansho la'aan, dib u gocasho,inla
xumaynayo aamina, jecel sida uu
jecelyahay loo jawaabo ama wax loola
arko).
3.Calamadaha Saameeyaa Dabeecada
qofka welwelsan (Behavioural stress
-symptoms) Muran , dhakhso u ooya,
indhaha ilmo ku joogsato, hurdada ilkuhu is lisaan, cidiyo qaniin, xanjo calalis
badan, gujin, canaan badan,inkiraad.
badan ,wanjalaad badan ,cabida Shaah
iyo kaafee badan, iyo balwad xad-dhaafa
sida Sigaarjka, Tubaakada, khamrada iyo
jaaadka , xaga xun wax ka eega, sharciga
eedeeya, markasta gafa hadana raali
gelin badan, khaa-khaayiraad(indho ka
hadal), jecel in dadku ay siiyaan taxadir
isaga u gaara, ururiya sheekooyinka
bulshada ka baxsan ee anshax xumada
ah, ku wiirsada Adoonka ay ka dhimanyiihiin nicmooyinka Eebe ( laxaadka iyo
nolosha) iyo -Diinta iyo dhaqamada oo
uu ku jeesjeeso
4. Calaamadaha Saameeya Fikirka qofka
welwelsan( Mental stress -symptoms)
Go'aan la'aan,iloowshiyo badan iyo
xusuus la'aan, maan guur, aan deganayn,
Currin yar, qorshe xumo, waxba xalin
karin.
Welwelku qofka iimankiisa ayaa
nuqsaama oo damiirkiisa ayaa hoos u
dhaca kaas oo ku dambeeyo niyad Jab
keena qalbi jab (depression) ku abuuraa murugo iyo walbahaar joogto ah
isagoo wax walba ka soo maga (apathy)
dabadeedna waxa uu noqdaa qof aan
waxba xeerin oo akhlaaq xun oo ku
nafisa marka uu gacan ka hadal sameeyo
ama afkiisa ay ka soo baxaan hadalo xun
oo karaahiyo ah oo dhibaateeya naftiisa
ama bulshada, ismana ogo inta uu samaynayo uu ficilada noocaas oo kale ah .
Haddii uu welwelku iyo walbahaarku ay
ka xoog bataan qofkaasu Waswaas ayuu
ku dambeeyaa wax kasta ka shakiya
iyo cabsi saa'ida oo haatuf iyo jin ayaa
ka adeegta qalbbigiisa oo haasaawiya
,dabadeena naftiisa ayuu waydiiyaa
su'aalaha aan jawaabta lahayn.
Welwelka ugu wayn ee Qaxootiyaddu
ay la kulmaan
Wadammadda horuumaray inta badan
waxa ay isku raaceen in fowdada iyo
dilalka dhagaraysan ay dhacaan xilliyadda qaboobuhu uu jiro, gaar ahaan
inta u dhaxeysa( billaha September
ilaa Maarso), xilliyadaas waxa uu qofku
noqdaa madluun (somber) marka ay
yaraadaan is dhex socodkii bulshadii u
weheshanayey waxaana la soo darsa
jaahwareer ku keena jidh xanuun iyo
madax wareer saa'ida, taas oo kalifta in
marka ugu horaysa uu abaaro qoyskiisa
ama asxaabtiisa.
Sidee looga hortagi karaa Waswaaska ,
Walbaharka iyo walaaca
Wadamadda Qaxootiyadu joogan waxa
ayay leeyihiin dhakhaatiir ku takhasustay iyo Macalimiin u tababaran dadka
dhibaatadan ay la soo daristo, iyagoo
inta badan ay ku dhiiri geliyaan cunto
dheelitiran inuu quuto, nasasho , iyo in
firfircooni jidhka laga shaqaysiiyo iwm.
Laakiin marka laga hadlayo qalbiga
saalimka ee Iimaanku ku jiro qofka Muslimka ahi waxa uu aaminsanyahay in wax
kastaba ay Illaahay ku xidhanyihiin
Qofku waxa uu nolosha ku leeyahay
inta cimrigiisu uu ku simo,sidaa darteed
qofka islaamka ee Eebe ka cabsadey,
ee Adeecay Nabigeenii subanaa NNKH
ee Waalidiintisana u ixsaan fala uma
baahna daawooyin iyo dhakhtaro wakhti
uu ku lumiyo, waxaana ku filan tawxiid
adag iyo iimanka oo weel laga buuxsado,
xidhiidhka qoyska, qaraabo salaanka,
xidhiidhka saaxiibada wanaagsan, iyo
sadaqada oo la bixiyo
Warbixintan qeybo ka mida waxa aan
ka soo feegaray hay'ada qaxootiga Holland qaybta Caafimaadka ee GGZ.
Laba Aan Is Af-Aqoon
Lamaane Jaceyl Ma
Noqon Karaan?
W.Q: Ali K. Kabadhe
Suxufi
Noloshu way qeybo badan tahaye bal
qisan daya!!
W
aa gabadh Soomaaliyeed
da’deedu waa 35 ilaa 40
haddaanay ka yarayn ba, waa
hooyo gabadh 3 jir ah haysata qaar kalena Somalia kaga timi balse aan odaygii
Caruurta dhalay la socon, miyay isfureen
mise way is qabaan ninkii caruurta hore
dhalay Alle ayaa og.
Dalka wax badan may joogine mudo aan
ka badnayn 6 billood bay joogtay. Afka
dalkan ay timi lagaga hadlo ma taqaan,
af aan kii hooyo (Somali) ahayna kuma
hadasho.
Taariikhda 15 Luulyo 2014
School luuqada laga barto ayaa loo diray,
waa qof aan berigii hore school soo
dhigan oo aan gundhig ‘’Base’’ fiican
lahayne waxan loo dhigayo meel ay ula
kacdo iyo meel ay ka bilowdo midna ma
taqaan mudo laba toddobaad ah markii
ay class-ka fadhiday waxay is barteen nin
u dhashay Dalka west Africa ku yaal ee
Guinee-Bissau.
Ninku iyada kuma dhaamo luuqadan loo
dhigayo oo wax badan ba kama soo horrayn, laakiin wuxuu ku hadlaa luuqadaha
Portuguese-ka iyo French, balse iyadu
labadan luuqadood ee wiilkan ay is barteen ku hadlo midna ugama duwana tan
loo dhigayo ee aanay fahmayn.
Ninkan odayga ahi marka uu fahmi
waayo waxa macalimiintu u sheegayso
waxaa loogu sharaxaa luuqada Frenchga, balse gabadhu luuqada macalinku ku
hadlayo iyo tan wiilka ay is barteen ku
hadlayo waxay moodaysaa isku mid.
Gabadhii iyo Wiilkii mindhaa midabka
madow ayay isku raaceen inkasta oo
gabadhu tahay hablaha Somalida kuwa
ugu quruxda badan oo aan midabkeeda
laga soocayn hablaha carbeed.
Si ay isu fahmeenba labadii qof muddo
kooban gudaheed waxay noqdeen nolol
wadaag. Maalin ba maalinta ka danbeysa way isku soo daddoobayeen ilaa
markii danbe ninkii odayga ahaa gurigii
gabadha usoo wareegay oo halkaa la
wada degay.
Habeen ba tilmaan leh hooyo iyo naxariista ka dhaxaysa ilmo ay dhashayna
waad garanaysaan macaanka iyo muxubada ay innagu soo koriyeena waad ogtihiin Ilahay ha dhowro hooyooyinkeene.
Inantii yarayd ee ay dhashay gabadhu
ayaa habeenkii danbe xumadi ku soo
booday aad iyo aad bay u xanuunsatay
way darbadootay siddii hooyo ilmaheeda ula baxaadegi jirtay ayay jiif iyo
joogba u diiday, ninkii odayga ahaa wuu
joogaa waanu arkaa in Inantii yarayd
wax ka si’yihiin balse ma ogga waxa ku
dhacay iyana uma sheegi karto oo ma
odhan karto Inantii way xanuunsanahaysaa.
Markii ay dhowr saacadood ka soo
rayn waydey waxay Gabadhii telefoon
u diraysaa Gabadh kale oo Somaliyeed
oo agteeda deggan waxay odhanaysaa ‘’
Inantii yarayd ayaa aad iiga xanuunsanaysaa walaal waxaan kaa codsanayaa in
aad ii gurmato oo aad ii wacdo meel aan
dhakhtar ka heli karo,’’ gabadhii kale oo
naxsan baa tidhi, ‘’ Miyaan kuu imaadaa
mise Ambulance baan kuu wacaa”?
Intaa markii ay weydiisay waxay Hooyadii ilmaheedu xanuunsanayey ka fekeraysaa Xanuunka ilamaheeda haya iyo
xishoodkii Hablaha Somalida u gaarka
ahaa, waxaa niyadeeda ku soo dhacaya
ninkan meesha u fadhiya iyo xaalada
gurmadka u baahan ee aan indhaha laga
qarsan karin!
Haddii ay odhan lahayd ninkan iga bax
oo dadbaa ii imanayee orod meelahaa
soo wareeg luuqadii ay intaa ku odhan
lahayd ma garanayso, xitaa haddii ay
odhan lahayd yara dhuumo oo meelahaas isku yara qari ma odhan karto,
haddii ay odhan lahayd gabadha kale
ee caawinaysa Ambulance uun ii wac
hadhow cid dhakhtarka uga turjunta
ma haysto daqiiqad badhkeed waxay
go’aan ku gaadhay si inanta yar loola
badbaadiyo.
Haddii fooli timaado guda qarsi hadhane
gabadha ii kaalay dheh oo Inanta yar
dhakhtar iigu wac isoo orod bay ku tidhi
gabadhii ay jaarka ahaayeen....la socota
Q2aad

Similar documents

Caruurta codsanaysa magangalyo caalami ah

Caruurta codsanaysa magangalyo caalami ah Haddii aad halkan magangalyo ka radinayso iyadoo ay sababtu tahay inaad ka cabsnayso wadankaagii asalka, waxaan tan ugu yeernaa ‘magangalyo doon’. Magangalin waa meesha lagugu siinayo magangalyada ...

More information