Museoesite somaliksi

Transcription

Museoesite somaliksi
SOMALI
KUSOO DHAWAADA MADXAFKA
(MUSEUM)
MADXAFKA SHAQAALAHA EE AMURI
MADXAFKA MILAVIDA
MADXAFKA SHAQAALAHA EE AMURI Waxaan ka ogaanaysaa sidii hore ay
reer Tampere u noolaayeen iyo halkay kunoolaayeen. Madxafka waxa uu
soobandhigayaa hab nololeedkii hore ay shaqaaluhu ku noolaayeen iyo
marxaladihii kaladuwanaa ee uu guryahoda soomaray. Sidii ay carruurtu iyo
dadka waaweyn badhaadha oogu noolaayeen.
MADXAFKA MILAVIDA waxa uu kuyaalaa qasriga Näsilinna. Madxafka waxa
uu soo bandhigayaa taariikhdii qoyska warshadlayaasha ahaa ee reer
Nottbeck ee reer Tampere ahaa. Waxaa intaas dheer in madxafka Milavida
aad ku daawan karto fashiyonka iyo sida loosameeyo dhisaynkooda.
Xilliga uu furanyahay iyo xilliga uu lacag la`aan yahay: Madxafka waxa uu
furan yahay xilliga sammarka 10.5.–11.9.2016
talaadada-axadda (isniinta waa uu xiran yahay). Jimcaha waa lacag la`aan
saacadda 15–18. Xilliyada kale gelitaankeedu waa lacag.
Guruubka lacag la`anta: qaxootiga iyo nabad gelyo codsadayaasha
madxafka shaqaalaha ee Amuri waxa ay ku galayaan lacag la`aan (laakiin
maya marka ay jiraan soobandhigyo qaas ah), lacag la`aanta ma aha shaqsi
ahaan ee waa guruubka oo kaliya. Guruubka waa in uu lasocdaa shaqaalaha
hagista. Gruubta inta aysan iman madxafka waa in ay soo wargeliyaan.
Kala xariir:
AMURIN TYÖLÄISMUSEOKORTTELI
Satakunnankatu 49, 03 5656 6690, [email protected], www.museokortteli.fi
WAAMAXAY MADXAF (MUSEUM)?
Madxafka waxaa lagu keydiyaa waxyaalaha qadiimka ah, sawirada,
ama farshaxanada iyo warbixino laga aruuriyey dhacdooyinka
hadda jira. Madxafku waa goob uu dhammaan dadkoodhan u furan
yahay, halkaasoo ay kadhacaan waxyaalo badan. Madxafka waxaa
lagusoo bandhigaa dhacdooyin ku salaysan aragti ama aragtida
farshaxan yaqaanka. Madxafyada badankood waxaa lagu galaa
lacag, laakiin waxaa jira madxafyo lacag la`aan ah ama ay lacag
la`aan yihiin xilli qaas ah wiiggii. Madxafka waxa lagu soo bandhigo
qaanra waxa ay yaalaan muddo dheer qaarna dhowr bilood oo
kaliya. Tampere waxaa kuyaal madxafyo fara badan. Warbixintan
waxaan kusoo qaadanaynaa oo kaliya dhowr madxafyada
magaladda. Warbixin dheeraad ah ka fiiri: www.tampere.fi.
Xilliga uu furanyahay iyo xilliga uu lacag la`aan yahay:
Xilliga jiilaalka (winterka): 1.1.–29.4.2016 jimcaha-axadda 11–18
Xilliga sammarka 2.5.–23.10.2016 arbaxada-axadda 11–18
Xilliga dayrta 28.10.–31.12.2016 jimcaha-axadda 11–18
Isniinta waa uu xiran yahay.
Guruubka lacag la`anta: qaxootiga iyo nabad gelyo codsadayaasha
madxafka Milvada iyo wax soobandhigidda waxa ay ku galayaan lacag
la`aan (laakiin maya marka ay jiraan soobandhigyo qaas ah), lacag la`aanta
ma aha shaqsi ahaan ee waa guruubka oo kaliya. Guruubka waa in uu
lasocdaa shaqaalaha hagista. Gruubta inta aysan iman madxafka waa in ay
soo wargeliyaan. Wixii intaas ka duwan gelitaanka waa lacag.
Kala xariir:
MUSEO MILAVIDA
Näsilinna, Milavidanrinne 8
040 831 4054
[email protected]
www.museomilavida.fi
Tampere waxaa jira dad caadi ah oo kuusharacaya dhaqanka.
Dadkaas waxaad weydiisan kartaa lacag la`aan in ay kuuracaan
madxafka. Dadkaas dhaqanka kushaqaleh markasta oo ay kula
socdaan madxafka waxaad ku geleysaa lacag la`aan.
QAYBTA BARASHADA DHAQANKA OO ISKU LAALAABAN
Qaybta barashada dhaqanka ISKU LAALAABKAN (TAITE) waxa uu kugu hagaa oo kutusayaa dhacdooyinka quseeyaa
dadka da`doodu kaladuwan tahay. Adeegu inta badan waa lacag la`aan.
ISKU LAALAABKAN waxa uu kugu hagayaa tabarucad kushaqaynta. Waad weydiisan kartaa
in aad hesho saaxiib si lacag la`aan ah kuuraaca madxafyada, maktabada goobaha jimicsiga,
ama in uu kula lugeeyo. Dadkaas tabarucaadda ah haddii ay kula socdaan madxafka waxaad
ku geleysaa lacag la`aan.
Warbixin dheeraad ah:
DALBO HAGAHA SAAXIIBTINIMADA:
[email protected]
Waxaad wici kartaa isniinta iyo khamiista
saacadda 10–12 taleefan lambarka 040 806 3910.
www.tampere.fi/taite
Yhteishyvä/Laura Vesa
Käännetty Pirkanmaan tulkkikeskuksessa.
Kuva: Jari Kuusenaho / Tampereen taidemuseo
MADXAFKA SHAQAALAHA EE WERSTAS
MADXAFKA DHEXE EE VAPRIIKKI
MADXAFKA TAMPERE IYO MUUMILAAKSO
MADXAFKA FARSHAXANKA EE SARA HILDÉN
MADXAFKA SHAQAALAHA EE WERSTAS waxaa lagu soo banshigaa
dhacdooyinka dadaka caadi ah taariikhdooda. Madxafkana markadra
waxaa lagu galaa lacag la`aan. Werstas waxaa lagu soo banshigaa
shaqaalaha noloshooda, shaqadooda, iyo waxyaalo kusaabsan qalabka
ay ku shaqaysanayeen,iyo mishiin weyn oo uumi kushaquuya. Werstas
waxaan ka ogaan kartaa taariikhdii samaynta dharka ee reer Tampere.
Hadda waxaa socda bandhigga taariikhdii farshaxan ee Midowga
soofiyeeti.
VAPRIIKKI waxaa lagu soo bandhigaa bandhigyo kaladuwan. Bandhigyaduna
waa kuwa kusaabsan dabeecadda iyo xayawaanka, taariikhda iyo
tikniilojiyada. Masxafka dhexe ee Vapriikki waa dhismo weyn, waxaana
sidoo kale ku dhexyaal madxafka dabeecadda ee Tampere, madxafka
Cayaarta xeegada (ice hockey) ee Finland, madxafka Macdanta hagaxa,
madxafka Mediyada ee Rupriikki, madxafka Boonbalayaasha iyo Boostada.
Hadda Vapriikki waxaan ka arki kartaa bandhigyada ay kamidka yihiin
dabeecadda Finland, taariikhda boostada, sawiro laga sameeyey nalalka,
macdanta dhagaxa, iyo hindisaadyo kaladuwan, iyo waxyaalo badan oo dadka
loosoo bandhigay.
MADXAFKA FARSHAXANKA TAMPERE waxaa lagu soobandhigaa bandhigyo
kaladuwan sida farshaxanada finishaka iyo kuwa ajaanibta. Madxafka waxaad
ku arkaysaa sawir farshaxan sawir gacmeed, sanamyo,iyo sawiro. Ilaa bisha
shanaad dhammaadkeeda waxaa lagu arki karaa sawiro matalaya agagaarka
badda Mereteriyaanka.
MADXAFKA SARA HILDÉN waxaa lagu soobandhigaa bandhigyo
kaladuwan sida farshaxanada finishaka iyo kuwa ajaanibta.: sawirada
farshaxanka, sanamyada iyo graafikada. Hadda waxaad ka arki kartaa
sawiro farshaxan ah iyo sanamyo midabaysan.
Werstas waxsa ay kutaalaa bartanka agagaarka Finlayson wareegga
dhinaca furan.
Xilliga uu furanyahay iyo xilliga uu lacag la`aan yaha:
talaadada-axadda saacadda 11–18 (isniinta waa uu xiran yahay)
Madxafka Werstas on amarwalba waa lacag la`aan.
Kala xariir:
TYÖVÄENMUSEO WERSTAS
Väinö Linnan aukio 8
010 420 9220
www.tyovaenmuseo.fi tai
www.werstas.fi
Vapriikki waxa uu kuyaalaa agagaarka Tampella biyadhaca Tammerkoski.
Xilliga uu furanyahay iyo xilliga uu lacag la`aan yahay:
talaadada-axadda saacadda 10–18 (isniinta waa uu xiran yahay)
Madxafka Vapriikki waxaa lacag la`aan lagu galikaraa jimcaha saacadda 15-18.
Ma qusayso marka ay jirto bandhigid qaas ah.
Xilliyada kale gelitaankeedu waa lacag.
Guruubka lacag la`anta: qaxootiga iyo nabad gelyo codsadayaasha madxafka
Vapriikki waxa ay ku galayaan lacag la`aan (laakiin maya marka ay jiraan
soobandhigyo qaas ah), lacag la`aanta ma aha shaqsi ahaan ee waa guruubka
oo kaliya. Guruubka waa in uu lasocdaa shaqaalaha hagista. Gruubta inta
aysan iman madxafka waa in ay soo wargeliyaan.
Kala xariir:
MUSEOKESKUS VAPRIIKKI
Alaverstaanraitti 5
03 5656 6966
[email protected]
www.vapriikki.fi
Madxafka Sara Hildén waxaa uu kuyaal bartanka carwada Särkänniemi
waxaana laga galaa jaranjarada loo maro carwada.
Madxafka farshaxanka ee Tampere waxa uu kuyaal dabaqa hoose ee
MUUMILAAKSO waxaana ka arkaysaa qoraaga farshaxanka Tove Jansson
sawirada uu ka sameeyey kuna saabsan muumi. Waxaa sidoo kale bandhigga
kamid ah buuggaag arti dhinacwalba leh ee cabiraya dhacdooyinka muumi.
Muumilaakso waxaa laxirayaa 30.10.2016. Madxaf cusub oo weyn waxaa laga
furayaa aqalka Tampere (Tampere talo) bisha shanaad 2017 ka.
Xilliga uu furan yahay iyo xilliga uu raqiis/lacag la`aan yahay:
Xilliga jiilaalka (winterka): talaadada-axadda 10–18
(isniinta waa uu xiran yahay)
xagaaga (sammarka) (bisha shanaad-bisha siddeedaad):
isniinta-axadda 10–18
Waxaa lagu galaa oo kaliya 2 euro dadka shaqo la`aanta
ah iyo dadka howl gabka ah:
khamiisaha farshaxanka bishii hal mar, tusaale ahaan 17.3. iyo 14.4.
17.4. waa ulacag la`aan maalinta qoyska carruurta ka weyn 5 sano iyo
qoyskooda. Xilliyada kale gelitaankeedu waa lacag.
Xilliga uu furanyahay iyo xilliga uu lacag la`aan yahay:
talaadada-jimcaha 9–17, sabtida-axadda 10–18
Madxafka farshaxanka iyo Muumilaakso waxaa lacag la`aan lagu galikaraa
jimcaha saacadda saacadda 15–17. Xilliyada kale gelitaankeedu waa lacag.
Guruubka lacag la`anta: qaxootiga iyo nabad gelyo codsadayaasha madxafka
Tampere iyo Muumilaakso waxa ay ku galayaan lacag la`aan (laakiin maya
marka ay jiraan soobandhigyo qaas ah), lacag la`aanta ma aha shaqsi ahaan
ee waa guruubka oo kaliya. Guruubka waa in uu lasocdaa shaqaalaha hagista.
Gruubta inta aysan iman madxafka waa in ay soo wargeliyaan.
Kala xariir:
TAMPEREEN TAIDEMUSEO/MUUMILAAKSO
Puutarhakatu 34
03 5656 6577
Taidemuseo: [email protected]
Muumilaakso: [email protected]
www.tampere.fi/taidemuseo muumilaakso.tampere.fi
Kala xariir:
SARA HILDÉNIN TAIDEMUSEO
Laiturikatu 13, Särkänniemi, Tampere
03 5654 3500
[email protected]
www.tampere.fi/sarahilden
Kuva: Jari Kuusenaho / Tampereen taidemuseo
Carolus Enckell 6.2.-15.5.2016. Carolus Enckell: Caput Mortuum (2013).
Sara Hildénin säätiön kokoelma/Sara Hildénin taidemuseo.
Kuva: Jussi Tiainen © 2016 KUVASTO

Similar documents

Bilingual Online Job Seeker Handbook

Bilingual Online Job Seeker Handbook ku jir lambaro iyo calaamado kala duwan (sida *, #, &) oo noqonkara magic adeegsi iyo fure. Hadiise ey kuu suurta geleyso samayso magic adeegsi iyo fure fudud kuna wada isticmaal dhamaan gobaha int...

More information

Moomin - Muurla

Moomin - Muurla Muurla has created a new series of Moomin products with theme Moomin characters live on glass. The series includes also Moomin Table Candleholders. Please place a safe Led- candleholder inside whic...

More information

tusmada wargeyska

tusmada wargeyska Mar wax laga weydiiyey bal in dowlada hoose ee Haarlem ay taageero dhaqaale ka heleen bal si loo socodsii-

More information