Clearview - St. Cloud Area School District 742

Transcription

Clearview - St. Cloud Area School District 742
Buug-gacmeedka
Ardayda Xanaanadda
iyo Dugsiga Hoose
2015 - 2016
www.isd742.org
St. Cloud Area
School District
Isku diyaari. Dhaxgal. Wax bar. Xooji. Dhiirigeli.
Waad ku mahadsan tahay xulashaday aad xulatay Degmo Dugsiyeed Deegaanka 742
(St. Cloud Area School District 742)! Waxaan ku faannaa shaqaalaheena heerka
sareeya ah iyo heerarka waxbarasho ee sare. Waxaan sugnaaba waa in aan kaala
shaqeyno in ubadkaaga aan siino khibrad waxbarasho oo gaar ah.
Waxaan aaminsannahay arday kasta awoodiisa/awoodeeda ay wax ku kasban karaan
marka ay helaan jawi waxbarasho oo iijaabo leh, oo ammaanna ah, oona taageerona
laga helo. Waxaan garowsannahay in la doonayo in la texgeliyo xuquuqda ay leeyihiin
dhammaan ardaday oo dhan. Waxaan aaminsannahay in xuquuqaha ardayga leeyahay
ka sokow, in ay jiraan waajibaadyo barbar soda oo ardayga lagu leeyahay kuwaasoo ah
inuu raaco akhlaaqda iskuulka u degsan.
Waxaan qirayaa waalidiinta/mas'uuliyiinta xaqa saaran oo ah in ay iyagu mas'uul ka
yihiin carruurtooda -iyo in ay carruurta ku hagaan oo ku dhiirigeliyaan in ay yeeshaan
akhlaaq haboon iyo tixgelin ay muujiyaan inta iskuulka ay joogaan.
Waalidiinta/mas'uuliyiinta waxaan ku casuumaynaa in ay xubin firfircoon ka noqdaan
jaaliyadda iskuulkeena.
Buug-yarahan waxaa loogu talagalay in adiga iyo ubadkaaga uu idin siiyo macluumaad
muhiim ah iyo in ardaydeena iyo iskuulka jaaliyadda uu siiyo xeerka degsan.
Dugsi Hoose ee Clearview [Clearview Elementary School]
7310 Highway 24
Clear Lake, MN 55319
Telfoon: (320) 743-2241
Fakis: (320) 529-4333
KIDSTOP: (320) 743-2243
Sheri Rutar, Maamule – [email protected]
Xafiiska Maamulka Degmada [District Administration Office]:
(320) 253-9333 / E-mail: [email protected]
Adeegyada Degmada [District Services], Gaadiidka (Transportation):
(320) 253-9370 / E-mail: [email protected]
Adeegga Buska ee [Guardian Bus Service]: (320) 259-8225
Adeegga Buska [Voigt’s Bus Service]: (320) 252-1807
Adeegga Buska [Spanier Bus Service]: (323) 251-3313
Si aan u hubinno ammaanka ardaydeena, dhammaan kuwa nasoo booqda marka ay
soo galaan dhismaha waa in xafiiska ay iska xaadiriyaan lana siiyo aqoonsi ay ku
dhegsanayaan oo markasta oo ay dhismaha soo galaan ay isticmaali karaan.
Albaabada oo dhan waa la xiri doonaa mar haddii ardayda oo dhan ay yimaadaan oo
ay fasalka galaan. Dhammaan kuwa dhismaha soo booqanaya waa in ay ka soo
galaan Albaabka #1 (Door #1) halkaas oo batoon gambaleel leh uu ku dhegan yahay.
Maalmaha Iskuulka
Ardayda Clearview ee K-6 maalinta waxay u bilaabmaysaa 7:35 a.m. oo wuxuu
dhammaadaa 2:20 p.m. Ardayda fasalka waa lagu soo dhowaynayaa subaxdii 7:20 a.m
wixii ka dambeeya Waqtigan ka hor ma jiro qof ardayga kuu ilaalinaya ama kuu fiirin
doona.
PBIS
Iskuulka Clearview wuxuu aad ugu dadaalaa in iskuulku noqdo bay'ad texgelin.
Halkudhiggeenu waa Clearview Cougars Care. Xeerarkeena aassaasiga ee 3 ah waxaa
ka mid ah:
• Dadka kale Texgeli (Respect Others)
• Hantida Texgeli (Respect Property)
• Naftaada Istexgeli (Respect Yourself)
Wada-hadal
Jaraaidka Clearview "The View' waxaa loo soo dhiibi doonaa canuga ugu yar ama
canunga kaliya ee dhigta maalinta Khamiista iyadoo Khamiis dhaaf ah ayaa loo soo
dirayaa. Bogga internetke ee Clearview ayay qoysaska nagala socon karaan.
Boggeena internetka waa www.isd742.org/Clearview
Si sahal lagaaga dhigo, waxaa jira nidaam fariin-qabte [voice mail] oo dhismayaasha
742 ee Degmo dugsiyeedka oo dhan laga helo. Farriimaha sida ugu dhaqsaha badan
oo suurtogal ah ayaa loo soo jawaabi doonaa.
Fariin-qabtaheena ayaad fariin noogu tagi kartaa saacaddaha iskuulka ka hor ama ka
dib. Telefoon lambarka xafiiskeena waa 320-743-2241.
Qorshaha Waqtiga Sooqaaditaanka
Haddii aad u timaado in ubadkaaga aad soo qaado saacadda iskuulka marka uu
dhammaado, fadlan gaariga isaga jir oo gal safka dhinnaca bari kaa qabanaayo ee
dhismaha. Mar haddii basaska ay dhaqaaqaan, baabuurta dhinaca hore ee (dhanka
koonfur) ee dhismaha ayay hal saf soo galayaan. Ardayda banaanka ayaa loo soo
saarayaa.
Ardayda oo dhan WAA in loo yimaadaa 2:30 p.m. Haddii 2:30 p.m. ay kugu adagtahay
in aad u timaado, qorshaha kuugu wanaagsan ayaa ah in ubadkaaga aad ku qorto
barnaamijka KIDSTOP. fadlan nala soo socodsii haddii aan tan kaa caawin karno.
ORAAHDA HOWLGALKA DEGMADA 742 iyo DHUUXA QIYAMYADA
Oraahda Howgalkayagu waa abuurista jawi badbaado iyo daryeel iyo dhaqan kaasi oo aanu
ugu diyaarino, ku hawlgalino, wax ku barno, ku xoojin, oo ku dhiirigalino dhammaan ardayda
iyada oo la kaashanayo bulshada ku hareeraysan si aan ugu guulaysano bulshada maanta iyo
ta berriba.
Waxaanu rumaysannahay in…
● Qof kastaa u qalmo helitaan loo siman yahay ee barashada ugu tayada sarraysa si sare
loogu qaado awoodda qofka.
● Aragtiyo badan oo kala duwan waxay wax ku kordhiyaan go’aan qaadasho iyo barasho
xog-ogaal ah
● Dhammaanteen waa ka faa’idnaa marka bulshooyinku ka wada shaqeeyaan ahdaaf
guud.
● Barasho nolosha oo dhan ah waxay daruuri u tahay dadka si ay u qaabeeyaan oo u
kobciyaan bulshadeena adduunka.
● Heerka ugu wayn ee guusha qofka waxa lagu gaadhaa lahaansho wadaag qofka,
qoysaska, dugsiyada iyo bulshooyinkeena.
Buug-gacmeedkan waxa loogu talogalay inuu ahaado hagaha ardayda iyo
qoysaska. Duruuf ama dhacdo kasta lama saadaalin karo; haddaba, ardayda
waxa qabanaya dhammaan xeerka iyo siyaasadaha degmda iyo tarjumaadaha
saraakiisha dugsiga.
Nuqul ah dhammaan Siyaasadaha Guddida Degmada 742 ayaa laga heli karaa
Websaytka Degmda 742 oo ah www.isd742.org. Fadlan fiiri maamulaha
ardaygaaga haddii aad qabto wax su’aalo ah oo kusaabsan degmda ama
siyaasadahayaga.
3
MACLUUMAAD GUUD EE ARDAYGA
IMAANSHAHA
Imaanshaha caadiga ah wuxuu toos ula xidhiidhaa kasbashada tacliineed ee meelmarka ah oo
imaansho dugsi oo joogto ah waa qaabka ardaygu u kobciyo masuuliyadda iyo anshaxa
naftiisa. Sababtan darteed, maqnaanshaha ardaygu ee dugsiga waa inuu ku ekaado mararka
maqnaanshuhu yahay mid daruuri ah. Fadlan aad ugu dadaal inaad qabsato ballamaha
caafimad iyo ilkeed saacadaha dugsiga kadib ama maalmaha fasaxa. Haddii ay daruuri tahay
inaad ilme dugsiga ka qaaddo, waalidiinta waxa looga baahan doonaa inay ku saxeexaan fasax
xilli hore xafiiska. Gobolkan Minnesota waxaa ka jira sharci ah in ubad kasta ee sannadkan
galaya Dugsiga Barbaarinta Caruurta [Kindergarten] uu dugsi sare ka qalin-jebiyaa ama dugsi
sare ku sii jiraa ama barnaamij kale ku sii jiraa ilaa ubadka uu 18 sanno jir ka gaaro. Kuwa loo
ogolaaday in ciidamada ay galaan ama gala machad waxbarasho sare ayaa ah kuwa kaliya loo
ogolaan doono in iskuulka ka tagaan kahor inta 18 sanno u galin.
Maadaama diiwaanada imaanshuhu ay yihiin qayb muhiim ah oo kamid ah faylka joogtada ah
ee dugsiga ee ilmahaaga, Nadaamka Degmada 742 waxuu farayaa waalidiinta/mas’uulada inay
soo wacaan xafiiska dugsiga marka ardaygoodu ka maqnaan doono ama xilli dambe imaan
doono OO ay sheegaanna sababta maqnaanta ama xilli dambe imaanshaha. Ardayda
yimaadda xilli dambe waa inay aadaan xafiiska inta aysan fasalladooda aadin.
Qoysasku sidoo kale waa inay la xidhiidhaan maamulaha dugsiga kahor intaanu ilmuhu u bixin
socdaallada qaraabada ama fasaxyo marka lagu jiro maalmaha dugsigu shaqaynayo. Mararkan
oo kale, qiimaha waxbarasheed ee socdaalkan waxa loo tixgalin doonaa mid qofka kusalaysan
si loo go’aamiyo haddii maqnaanta lagu calaamadiyo inay cudurdaar leedahay ama aanay
cudurdaar lahayn.
Ardayda waxaa kaliya laga sii daynayaa goobta loogu talagalay ee iskuulka inta lagu jiro
maalintii. Haddii ay qasab kugu noqoto in ubadkaaga aad iskuulka ka saarto, codsi qoraal ah
waa in maamulaha iskuulka loo soo diraa iyada oo ay ku qoran tahay taariikhda iyo saacadda
uu baxayo. Fadlan xafiiska kaalay si ubadkaaga aad ula kulanto. Carruurta lama raacinnayo
baabuurta sii sugaysa ama qof kale oo kasta oo aan shaqaalaha iskuulka aan tusi karin aqoonsi
caddayn ah.
Maqnaanshaha – Cududrdaar leh
Maqnaansho cudurdaar leh waa ka maqnaansho dugsi oo sharci ah waxaanu u baahan yahay
caddaynta waalidka/mas’uulka iyo oggolaansho uga yimaadda shaqaalaha dugsiga. Waa
kuwan xaaladaha keena maqnaansho cudurdaar leh:
● Ardayga oo xanuusaada
● Xanuun halis ah ama geeri ku timaad qoyska ardayga
● Ballamo caafimaad ama ilkeed
● Maxkamad aadis
● Xafladda fasax diimeed oo la aqoonsan yahay
● Barista diimeed (aan ka badnaan 3 saacadood toddobaadkii)
Kadib 15 maalmood oo maqnaansho cudurdaar leh ah, qoraalka dhakhtar ayaa loo
baahan karaa maqnaanshaha xidhiidhsan. Keeni waaga qoraalka Dhakhtarku waxay
keeni doontaa maqnaanshaha in loo calaamadiyo mid aan cudurdaar lahayn.
Maqnaanshaha – Xanuunsiga xilliga maalintii
Ardayda xanuusata inta maalinta dugsiga lagu jiro waa inay u sheegaan Xafiiska Caafimaadka.
Xafiiska Caafimaadku wuxuu samayn doonaa qabanqaabada daruuriga ah si ardaygu guriga u
4
aado. Ardaydu waa inayna waligood ka tagin dhismaha iyaga oo xanuusan iyaga oon u sheegin
Xafiiska Caafimaadka ama maqnaanshaha waxa loo tixgalin cudurdaar la’aan.
Maqnaanshaha – Tabinta
Waalidiinta waxa laga filayaa inay soo wacaan 10:00 a.m. (subaxnimo). Qatka isa soo
xaadirista ama fariin qabtaha waxaad heli kartaa 24 saacadood maalintii.
Maqnaanshaha – Dugsiga la Xidhiidha
Hoos waxaad ka heli doontaa tusaalayaal maqnaanshaha dugsiga la xidhiidha ee cudurdaarka
leh.
● Safar aqoon-korodhsi oo rasmi ah ama dhacdo kale oo dugsigu ka masuul yahay
● Hakinaha (suspensions)
● Ciyaar is-arag ama daawasho marka koox dugsiga ah ku lug leh leedahay.
Haddii yimaadaan duruufo gaar ah maamulka dugsigu waxa dhici karta inuu oggolaado
maqnaansho cudurdaar leh oo dheeraad ah. Ardaydaa ka masuul ah soo buuxinta wixii shaqo
dhaaftay.
Maqnaanshaha – Hakin (Suspension) la Xidhiidha
Maqnaanshaha hakintu keentay cudurdaar way leeyihiin. Xafiiska Imaanshaha ayaa la
xidhiidhi doona macalimiinta si ay u siiyaan layliyada hakinaha oo dhan. Layliyadan waxa laga
heli doonaa xafiiska si looga qaato.
Maqnaanshaha - Fasalka/Iskuulka ka Soo Daahitaanka
Ardayda aan iskuulka waqtiga loogu talagalin ku imaan sabab kasta ha noqoto waa inuu
heystaa warqad ama waalidku telefoon iskuulka ugu soo sheegay ama waa in uu
maamulaha iskuulka la kulmaa si fasalka loogu ogolaado. Soo daahitaankan way sii socon
doonaan in xafiiska wayn laga socodo.
Maqnaanshaha - Goysmada
Gobolka Minnesota waxaa sharci u ah in dhammaan ardayda ay da'doodu ka yartahay 18
iskuulka dhigtaa. Goysmo badan (todobo in ka badan) xeer ilaaliyaha degmada ayaa lagu
wargelin doonaa oo kiiska maxkamaddaha u gudbin doona si tallaabo sharci ah oo suurtogal ah
loogu qaado.
Sharciga Minnesota wuxuu u oggolaanayaa maxkamadda inay isticmaasho cawaaqibta soo
socota ardayda loo tixraacay googoysnimo: ganaaxyo lacageed, saacdaha adeegga bulshada,
iyo/ama ku meelaynta dibadda guriga. cawaaqibta kale waxa la isticmaali karaa marka uu u
maleeyo inay habboon yihiin maamulaha kuna cad yihiin Xeerka Anshaxa.
Maqnaanshaha – Cudurdaar La’aan ah
maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn waxa la diiwaangaliyaa marka:
● dugsiga aan la ogaysiin maqnaanshaha, ama
● maqnaanshaha laga dheeraan karayey ama dib loo dhigi karayey, ama
● qabanqaabo iyo/ama oggolaansho hore laga sii samayn karayey xafiiska maamulaha.
Sharciga Gobolka Minnesota ee la xidhiidha dayaca waxbarasheed wuxuu sheegayaa in
waalidiinta ama mas’uulada ilme kayar 12 jir loo qabsanayo wixii maqnaanshaha cudurdaar
la’aan ah. Arday kasta, iyada oon la eegayn da’da dugsiga uu ku dhigto, waa inuu raaco
sharciga imaanshaha ee khasabka ah.
cawaaqibta maqnaanshaha cudurdaar la’aanta ah waa kuwa soo socda:
● Kadib 3 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - waalidiinta ayaa lagu ogaysiin warqad
5
●
●
Kadib 5 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - warqad labaad ayaa loo diri waalidiinta
oo xafiiska xeer-ilaaliyaha degmadana la ogaysiin
Kadib 7 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - maamulka dugsiga ayaa codsada inuu ka
fayl garaysto codsi googoysnimo/dayac waxbarasheed xeer-ilaaliyaha degmada.
Saddex ama kabadan xiisadaha fasalka muddo kabadan saddex maalmood waxay keeni kartaa
in ardayga loo tixgalino googoys oo boodis tiro badan waxay keeni kartaa ka fayl garaysi
googoysnimo Xeer-ilaaliyaha Degmada.
KASBASHADA TACLIINEED/KOBOCA KARTIDA
Kasbashada Tacliineed: Ujeedada barnaamijka Kasbashada Tacliineed waa in la bixiyo
fursado tacliineed oo manhajka dheeraad ka ah iyada oo hadafku yahay xoojinta koboca
ardayga iyo buuxinta rabitaanka ardayga ee hal-abuurnimo dheeraad ah, loollamada tacliineed
iyo dhib xallin. barnaamijka waxa loogu talogalay inuu kaalmeeyo ardaydu inay noqdaan halabuurayaal iyo soosaarayaal halkii ay ka ahaan lahaayeen isticmaalayaal macluumaad oo
kaliya.
Koboca Kartida: Degmo Dugsiyeedka 742 ee Mandaqadda St. Cloud waxay bixisaa
barnaamijyo koboca kartida iyada oo oofinaysa oraahdayada howlgaka iyo dhuuxa qiyamka ee
ah in qof kastaa u qalmo helitaanka tayada u sarraysa ee barasho si loo kordhiyo awoodda
qofka. Barnaamijka koboca kartidu waa barnaamij loo siman yahay, baahida ku waajahan oo
loogu talogalay ardayda muujiyey kasbashada sare ama suurogalnimada kasbashada sare.
Karaarka: Karaarka ardayga waxa loo tixgalin karaa marka shaqaale shati haysta iyo qoysku
dareemaan inay tahay waxa ugu fiicna ee ardayga. Aqoon hore/horumar helista xirfad, aqoon,
ujeedooyin iyo aragtiyo ayaa loo tixgalin doonaa iyo sidoo kale heerka ku fiicnida ardayga ee
akhriska, farshaxannada luuqada iyo xisaabta. Koboca jidheed ee ardayga, arrimaha
qaangaarnimo iyo niyadeed ayaa la tixgalin, laakiin waa inayna ahaanin arrinka salka u ah
go’aanka karaarinta.
DAACADNIMADA/QISHKA AKADEEMIYADDA
Dhammaan ardayda oo dhan waxaa laga filanayaa in ay muujiyaan daacadnimo ku aadan
howsha loo diro oo waa in kuwa kale ay iyaguna sidaa ka fishaan. Markii sidaa la sameeyo
arday kasta waxay u ogolaanaysaa in lagu qiimeeyo guushiisa/guusheeda shaqsi. Macalin
kasta waa inuu sheegaa cawaaqibta ka timaada qiyaamada akadeemiyadda (qishka).
Macalinka ayaa dardargelinaya ciqaabta goorta qiskhka ardaygu sameeyay.
SHILALKA
Dhammaan shilalka, haba yaraadeene, waa in loo tabiyo Adeegyada Caafimaadka ama
Xafiiska Dhexe. Foomka Warbixinta Shilka waa in la dhammaystiro wakhtigaas.
Macluumaadkan waxa looga baahan yahay sheegashooyinka caymiska.
ISBEDDELLADA CINWAANKA AMA MACLUUMAADKA XIDHIIDHKA
Isbeddellada cinwaanka guriga, lambarka taleefanka, iimaylka, iyo macluumaadka kale ee la
xidhiidha waa in loo tabiyo xafiiska soodhawaynta sida ugu dhakhsaha badan. Tani aad ayey
muhiim ugu tahay tacliinta iyo badbaadada ardayga. macluumaadka lala xidhiidhayo gurmadka
waa in lagu daray.
6
BOROTAKOOLLADA DIGNIINTA/BADBAADADA
Dugsiyadayadu waxay baraan ardayda borotakoollada badbaadada iyo sida loo jawaabo marka
digniintu dhawaaqdo. Waanu dabbakhnaa jawaabahayga sannadka oo dhan. Raacis waaga
borotakoollada waxay keeni karaa tallaabo anshaxmarin.
Bamka, Kiimikada, Dhabqiyaha iyo Caafimaadka
Ardaydu waa in ay raacaan Crisis Response Plan(Qorshaha Jawaabta Dhibaatada).
Xakamaynta
Waxbarista caadiga ah ayaa socota, ardayda oo dhanna waxay kujiraan fasallada. Kuwa u
baahan inay fasalka ka baxaan ujeedooyin gurmad dartood iyo booqdayaasha oo dhan waxa la
siiyaa ilaalo dhismaha oo dhan.
Dabka
Qofka waa inuu ka baxo dhismaha marka digniin dhawaaqdo; dadka sidaas yeeli waaya waxay
la kulmi doonaan tallaabo anshaxmarin iyo/ama sharci. Ardayga far-fareeya aaladda dareemista
dabka waa la hakin doona waxaanu la kulmi doonaa dacwad ay ku soo oogaan hay’adaha ku
habboon.
Meel ku Hubsiga
Ardayda iyo shaqaaluhu waxay galaan meelaha xidhan ee loogu talogalay. Bixinta tilmaantu
waa joogsataa. Taleefannada waa inaan laga jawaabin albaabadana waa inaan la furin.
Duuufaan (Tornado)
Ardayda iyo shaqaaluhu waxay raacaan dhabbaha bixista ee la soo dhejiyey waxayna raacaan
hab-raacyada meel ka galista.
XEERKA NAAFADA AMERIKANKA
Qof kale oo kasta oo naafo ah oo u baahan in la gacanqabto si uu usoo xaadiro dhacdada
iskuulka lagu qabto Maamulka iskuulka ayay la soo xiriiri karaan hal todobaad kahor inta
dhacdada aan la qaban.
OGEYSIISYO
Isku day ayaa la samayn doonaa in ogaysiisyada lagu soo diro qaabab kala duwan kaas oo ay
ka mid noqon karto qaab maqal ama qaab la daabacay oo lagu soo diri karo qaabab
elektaroonig ah si ardayda iyo qoysaskooda looga caawiyo in lagula soo socodsiiyo dhammaan
fursadaha iskuulka la xiriira. Ogeysiisyada waxaa ka mid noqon doona waxyaabaha ardayda
xiisaha u ah iyo wixii muhiim u ah.
QIIMAYNTA IYO IMTIXAANKA GOBOLKA
Qiimaynaha
Ardayda fasallada K-12 waxay qaataan imtixaano iyo qiimayno kala duwan sannad dugsiyeed
kasta. Waxaanu ka qaadnaa ardayda qiimaynaha si aanu u go’aamino heerka bariseed ee
ilmaha oo aanu u cabbirno korriinka tacliineed sannad dugsiyeedka oo dhan, iyo sannad ilaa
sannad, ee meelo kala duwan. Ilmahaagu wuxuu ku qaadan doonaa qiimaynaha qaar
kombiyuutar, qaar kalena warqad iyo qalin. Haddii aad su’aalo ka qabto ujeedooyinka
qiimaynta, muddooyinka iyo natiijooyinka, fadlan toos ula xidhiidh macalinka ilmahaaga. Waxa
jira websaytyo iyo dhexgallo badan oo loogu talogalay inay ka caawiyaan ardayda koboca
xirfaddooda bogga webka dugsiga ama macalinka ilmahaaga.
7
Imtixaan Qaadista Gobolka
Imtixaan qaadista Gobolka sannad dugsiyeedka 2015-2016 waxaa la qaban doonaa wakhtiyada
soo socda:
Febraayo 1 - Maarso 25
Bartayaasha Ingiriisida ACCESS (E Ls): Fa sallada K-12
(Qiimayntu waxay gali meeshii TEAE/MN-SOLOM)
Maarso 7 - Maayo 6
Imtixaanista MTAS (Imtixaanka MN ee Xirfadaha Tacliineed):
gaar gaar looga qaadi ardayda mutaystay
Maarso 7 - Maayo 6
Imtixaanka Akhriska MCA (qalin iyo warqad): Fasallada 3-8
Maarso 7 - Maayo 6
Imtixaanka Xisaabta MCA (on-layn): Fasallada 3-8
Maarso 7 - Maayo 13
Imtixaanka Sayniska MCA (on-layn): Fasallada 5, 8 iyo Dugsiga Sare
SHARCIGA LA-DAGAALANKA XOOG-SHEEGADKA/DUGSIYO BADBAADO LEH
Guddida Dugsigu waxay aqoonsan yihiin raadka taban ee xoog-sheegadku ku yeelan karo
caafimaadka iyo badbaadada ardyda iyo bey'adda barashada. xoog-sheegadku wuxuu abuuri
karaa saxariir, walaac, hoos u dhac kalsoonida qofka, iyo dareemista takoor. xoog-sheegadka
wuxuu si maaddi ah oo aad ah u arbushaa xuquuqda dadka kale u leeyihiin waxbarasho waana
wax aan la aqbali karin bey’adda waxbarasho.
Dugsiyada Mandaqadda St. Cloud waxay ku dadaalayaan inay joogteeyaan bey'ad barasho iyo
shaqo taasi oo ka madhan xoog-sheegad. Sidaa darteed, xoog-sheegadka waa laga
mamnuucay dhulka dugsiga, hawlaha dugsigu ka masuul yahay, basaska dugsiga meelaha
baska dugsigu joogsado.
Qeexista Xoog-sheegadka
xoog-sheegadka waxa kamid ah handadaadda, hanjabaadda, habdhaqan gabboodfal, ama
waxyeelo ah kaasi oo shaki la’aan daandaansi ah: (1) waxa jira isku dheellitir la’aan dhab ah
ama la dareemayo oo u dhaxaysa ardayda ku lugta leh dhaqanka la mamnuucay iyo
bartilmaameedka habdhaqanka iyo dhaqanku waa soo laabtaa ama wuxuu sameeyaa qaab;
ama (2) si maaddi ah iyo si aad ah wuxuu farogaliyaa fursadaha ama hawl-gudashada ama
awoodda waxbarasho ee ardayga si uu uga qaybqaato shaqooyinka dugsiga ama hawlaha ama
u helo dheefaha, adeegyada, ama mudnaanta dugsiga.
Hab-raacyada Tabinta
Dhibbanayaasha: Dhammaan ardayda rumaysan inay yihiin dhibbane xoog-sheegad waa inay
si dhakhso ah ugu tabiyaan xubin shaqaalaha dugsiga ah. Oggolaansho cad oo uu sameeyo
ardayga loo xoog-sheegtay ma yarayso mamnuucidda siyaasaddan ku qoran.
Qoysaska: Dhammaan waalidiinta ka war qaba wax xoog-sheegad ah waxa lagu boorinanayaa
inay u tabiyaan maamulaha dhismaha ama wakiilkiisa. Tan waxa kujiri doona waalidiinta
dhibbanayaasha ama goobjoogayaasha.
Markhaatiga: Dhammaan ardayda arkay xoog-sheegad waa inay isla markiiba ugu tabiyaan
xoog-sheegadka xubin shaqaalaha dugsiga ah. Shaqaalaha dugsi ee arkay xoog-sheegad waa
inuu si dhakhso ah u dhexgalo una qaado tallaabo habboon si uu u joojiyo xoog-sheegadka.
Shaqaalaha: Macalin, mutadawac, qandaraasle waxbarasheed, ama shaqaale kale oo dugsi
waa inuu si gaar ah ugu feejignaado xaaladaha, duruufaha, ama dhacdooyinka imaan kara oo
ay kujirto xoog-sheegadka. Qofka noocan ah ee hela warbixin, arka, ama aqoon kale u leh ama
rumaysan dhaqan ay dhici karto inuu keeno xoog-sheegad waa inuu ku wargeliyo maamulaha
dhismaha ama wakiilkiisa isla markaab si tallaabo habboon loo qaado.
Maamulayaasha: Maamule ama wakiilkiisa oo arka xoog-sheegad ama hela warbixin hadal ah
oo xoog-sheegad waa inuu dokumenti gareeyo oo si dhakhso ahna u baadho arrinka. Marka ay
suurogal tahay, maamulayaashu waa inay raadiyaan inay kaga la hadlaan xoog-sheegadka
dhibbanaha meel dhibbanuhu dareemayo ammaan. La hadalka hore ee dhibbanaha waa
8
inaanu meesha joogin ardayga daandaansiga wadaa. Haddii hal arday kabadan ku lug lahaa
samaynta xoog-sheegadka, maamulku waa inuu la hadlo mid kasta oo kamid ah ardayda
daandaansiga wadda si kala gaar-gaar ah. Kadib baadhista marka la dhammaystiro, mamulaha
dhismuhu waa inuu qaado tallaabo habboon oo waafaqsan siyaasadda xoog-sheegadka.
Xeerka Asturnaanta Xogta: Warbixinaha xoog-sheegadka waxa loo tixgaliyaa xog
waxbarasheed iyo/ama shaqaale oo gaar ah iyo/ama xog baadhiseed oo qarsoodi ah loona
shaacin maayo sida dhigayo mooyee si kale.
RAACIDA BASKA
Ardayda dugsiga hoose dhigata oo degan in ka badan hal meyl iskuulka u jira waxay xaq
u leeyihiin in ay helaan adeeg gaadiid oo si joogto oo iskuulka geeya kana soo celiya.
Baska iskuulka ayaa sidoo kale loo fidin karaa ardayda ku yimaada wadooyinka aadka loogu
safro ama soo gooya meelo halis ah sida ay go'aamiyaan Guddiga la Talinta Gaadiidka.
Amiga ardyda oo dhan darteed, darawaliinta basaska ma awoodaan in ardayda/qoyska in aan
laga ogolaan in basas aan kooda ahayn aan la saarayn. Haddii ubadkaaga uusan guriga ku
iman baskii laga filanaayay, fadlan markiiba soo wac Waaxda Gaadiidka (320) 253-9370.
Baska oo la raaco waa mudnaan oo ma ahan wax aad xaq u leedahay. Ardayda amnigooda
ama kan ardayda kale qalqalgeliya waxaa dhici karta in ay lumiyaan mudnaantooda ay baska
ku raacaan. Dhammaan ardayda dhigata fasallada Pre K-10 waxaa la bari doonaan sharciyada
baska iyo waxaa la siinayaa tababar dhanka baska oo dhammaystiran inta lagu jiro
todobaadyada koowaad ee iskuulka. Nuqul ka mid ah xeerarkan iyo waxa ardayda laga filayo
ayaa sidoo kale ardayda loo soo dhiibi doonaa inta lagu jiro xiliga dayrta ee sannad
dugsiyeedkan oo buugyaraha ayaa lagu soo qori doonaa.
Fadlan Waaxda Gaadiidka kala soo xiriir (320) 253-9370 haddii aad qabto wax su'aallo ah
iyo welwel ku saabsan adeegyada gaadiidka ee ubadkaaga.
C.A.A.P.
C.A.A.P u taagan Community Accountability And Prevention Intervention (Dhexgalidda
La-xisaabtanka Iyo Kahortagga Bulshada) waxa la heli karaa fasallada 6-10 iyada oo beddel ah
ah hakinta. Maamulayaasha/Kaaliyayaasha Maamulayaashu waxa dhici karta inay ku qoraan
arday CAAP muddo 1-3 maalmood ah. Barnaamijka CAAP waxa ka hawlgala shaqaalaha
Degmada 742.
KAFATEERIYADA
Wada-shaqayntaada iyo tixgalintaada caqliga ku dhisan ee ardayda kale ayaa la filayaa oo la
qaddarinayaa.
● Qadooyinka oo dhan waa in lagu cunaa kafateeriyada/meelaha lagu kulmo ilaa
oggolaansho gaar ah la bixiyo.
● Ardaydu waa inay u dhaqanto nafahooga qaab naxariis iyo qaddarin leh markasta,
safafka qadada iyo marka ay cuntada cunayaan.
● Ardaydu iyagaa ka masuul ah nadaafadda miiska halka ay ku cuneen iyo meelaha ku
hareeraysan.
● Taraayada, weelka iyo shayada kale ee cuntada waa in lagu celiyo meesha weel
dhaqista kadib isticmaalka. Khashinka iyo dib u warshadaynta waa in la geeyo meelaha
loogu talogalay.
9
KAAMARADAHA
Isticmaalka wixii aalad sawir qaad ah taasi oo xadgudub ku ah xuquuqda dadka kale aad ayaa
loo mamnuucay. Si khaldan ugu isticmaalka aaladdan oo kale qolka lokarka dugsiga,
xamaamka dugsiga ama meel kale si uun ku xadgudbaysa asturnaanta qofka, waxay keeni
kartaa anshaxmarinta dugsiga.
CUDURRADA FAAFA
Shaqaalaha degmo dugsiyeedku iyagaa ka masuul ah u tabinta cudurrada faafa Waaxda
Caafimaadka ee Degmada. Ardayda la tuhunsan yahay inay qabaan cudur faafa waxa loo diri
karaa guriga marka la ogaysiiyey qoysaska. Haddii ilme ku xanuusado ama si xun ugu
dhaawacmo dugsiga, dugsigu wuxuu isku dayi doonaa inuu ku ogaysiiyo waalidiinta ama
mas’uulada sharciga ah taleefan. Haddii dugsigu aanu awoodin inuu helo waalidiinta ama
mas'uulada sharciga ah, qofka u qoran la xidhiidhka gurmad ayaa la wici karaa oo laga codsan
karaa inuu ilmaha qaado. Xaaladaha marka dugsigu aanu awoodin inuu la xidhiidho waalidiinta,
mas'uulada sharciga ah, ama qofka kale lala xidhiidhayo, xaaladduna u muuqato mid ilmuhu u
baahan yahay gurmad caafimaad, 911 ayaa la wici doonaa.
ISGAADHSIINTA - SKYWARD
Degmada 742 waxay isticmaashaa Skyward, nidaamka maaraynta macluumaadka ardayga, ee
isgaadhsiinta iyo tabinta buundooyinka iyo imaanshaha. Waalidiintu waxay ka gali karaan
bartan www.isd742.org iyaga oo kadib dhag siinaya “Families” kadibna “Skeyward family
access.” Bartan waxay u baahan tahay magac lagu galo, shanta xaraf ee u horreeya
magacooga u dambeeya, oo ay raacdo 3 xaraf ee u horreeya magacooga hore, oo ay raacdo 3
sifir iyo baasweedh. Sidoo waxaad ka gali karta Skeyward adiga oo la xidhiidhayo xoghaynta
dugsiga.
LA-TALINTA
La-taliyayaasha dugsigu waxay siiyaan taageero ardayda la kulmaya tabashooyin tacliineed,
badbaado iyo bulsho-niyadeed. Sidoo kale waxay ka caawiyaan doorashada koorsada,
qorshaynta mustaqbalka iyo imtixaanista iyo fasiraadda natiijooyinka imtixaanka.
SHIRARKA QOYSASKA/MACALIMIINTA
Macalimiinta fasalku waxay la kulmi doonaan dhammaan waalidiinta muddada Shirarka
muddaysan ee Qoyska/Macalinka. Xidhiidhada ka dhexeeya dugsiga iyo waalidiintu waa arin
aad muhiim u ah, kanina waa wakhti fiican oo ay tahay in laga wadashaqeeyo danaha ugu
fiican ee ilmahaaga. Horumarka tacliineed ayaa la wadaagi doonaa sedax jeer sanadka
gudihiisa Warbixinada Horumarka.
ISKU XOOG-SHEEGADKA INTERNETKA
Iskaga xoog-sheegadka internetka si aad ah ayaa loo mamnuucay. Shaqaalaha dugsigu lama
socdo hawlaha ardayda markasta waana inuu isku halleeyaa kormeerka qoyska si loo suuliyo
dhacdooyinka iskaga xoog-sheegadka internetka.
Hase yeeshee, ilaa xadka dhaqanka noocan ah uu saamaynayo bey'adda waxbarasheed ee
degmo dugsiyeedka iyo xuquuqda, badbaadada, iyo daryeelka ardaydeeda iyo/ama shaqaalaha
oo uu kujiro maamulka degmo dugsiyeedka iyo hawlaheega caadiga ah, waa mid naga go’an
inaanu ka hortagno isku xoog-sheegadka internetka oo aanu qaadno tallaabo si aanu u
baadhno, jawaabno, saxno, oo anshaxmarino tallaabooyinkan xoog-sheegadka internetka
kuwaasi oo aan lagu guulaysan ka hortagooda.
10
XEERKA ASTURNAANTA XOGTA
Degmo dugsiyeedka waxay aqoonsan tahay masuuliyaddeeda la xidhiidha ururinta, joogtaynta
iyo faafinta diiwaanada ardaydu iyo ilaalinta xuquuqda asturnaanta ee ardayda sida ku qoran
sharciga fadaraalka iyo gobolka.
IKHTIYAARADA TALLAABADA ANSHAXA
Waa nidaam guud ee Degmo Dugsiyeedka in la isticmaalo anshaxmarin hor u socod ah ilaa xad
macquul ah kuna habboon oo ku salaysan xaqiiqooyinka gaarka ah iyo duruufaha dhaqan
xumada ardayga. Qaabka anshaxmarinta gaarka ah ee la doorto xaalad gaar ah waxa si gaar
ah u leh Degmo Dugsiyeedka. Ugu yaraan, Jabinta xeerarka, qawaaniinta, siyaasadaha, ama
hab-raacyada Degmo Dugsiyeedku waxay keeni ka hadal jabinta iyo digniin hadal ah. Degmo
Dugsiyeedku waa inay hase yeeshee, ku soo rogto ciqaabo anshaxmarin oo daran wixii jabin
ah, oo ay kujirto saaris ama eri, haddii uu keensaday dhaqan xumada ardaygu, sida ay
go’aamiso Degmo Dugsiyeedku. Tallaabo anshaxmarin waxay waafaqsanaan doonta Xeerka
Anshaxa IDS 742.
WAX KA BEDDELKA ANSHAXMARINTA
Cawaaqibka jabin gaar ah waxa qabadsiin karaa qaab kusalaysan qofka haddii uu garto
maamulaha dhismuhu. Maadaama ayna suurogal ahayn in la qoro jabin kasta oo dhacda, kuwa
aan la cayimin waxa looga jawaabi sida ay dan moodaan shaqaaluhu si kala gaar ah.
Duruufaha gaarka ah ee dugsi cayiman waxa loo baahan karaa qabadsiin siyaasadaha
anshaxmarinta si loo buuxiyo baahiyaha dugsiga.
OGAYSIINTA ANSHAXMARINTA EE JABINTA SHARCIGA
Qoysaska waxa la ogaysiin doonaa wixii jabin Xuquuqda iyo Masuuliyadaha Xeerka Anshaxa
ee keenaya tallaabo anshaxmarin. Ardyda la hakiyey waxay ka heli doonaan macluumaad Xeer
Caydhinta Caddaaladda ah ee Ardayga.
DIIWAANADA ANSHAXMARINTA
Waa siyaasadda Degmo Dugsiyeedka in diiwaano anshaxmarinta ardayda ah oo
dhammaystiran saxna ah la joogteeyo. Ururinta, faafinta, iyo joogtaynta diiwaanada
anshaxmarinta ardaygu waa inay waafaqsanaadaan siyaasadaha Degmo Dugsiyeedka ay
khusayso iyo shuruucda fadaraalka iyo gobolka, oo ay kujirto Xeerka Ku-camalfalka Xogta
Dawladda Minnesota, Minn. Stat. Jabtar 13.
XEERKA LABBISKA/MUUQAALKA QOFKA
Ardayda waxa lagu boorinanayaa inay ku faanaan dharkooda/hugooga maadaama uu la
xidhiidho xaruntooda waxbarasheed. Ardaydu waa inay u labbistan qaab, marka lagu daro
tilmaamaha soo socda, xisaabta ku darsanaya bey'adda waxbarasheed, badbaadada,
caafimaadka iyo daryeelka qofka iyo dadka kale. Fadlan xasuusnaw in su’aasha aqbalaadda ay
u taalo maamulka. Tilmaamaha soo socda oo la xidhiidha labbiska waa in la raaco.
● Waxyaalaha madaxa lagu xidho (tus., masarrada, koofiyadaha, garba-saarrada) lama
oggola inta maalinta dugsiga lagu jiro. Dhammaan waxa madaxa lagu xidho waa in lagu
rido lokarrada ama boorsooyinka dhabarka marka dugsiga la soo galo laga lana soo
baxo kaliya dhammaadka maalinta. Waxyaalaha ka reeban siyaasaddan waxa kamid ah
wixii loo xidhinayo xorriyadaha diinta si waafaqsan Sharciga Fadaraalka.
● Koodhadhka dibadda/jaakaddada waxa dhici karta inaan la xidhan inta lagu jiro maalinta
dugsiga sababo barxadeed iyo ammaan dartood. Fadlan isku diyaari heerkullada qabow
adiga oo haysanaya funaanad lookarkaaga.
11
●
●
●
Dhammaan dharka iyo/ama waxyaalaha la isku qurxiyo, kuwaasi oo muujinaya
aflagaado ama calaamado iyo/ama astaamo ama farriimo sare u qaadaya daroogada,
khamrada, tubaakada, qoryaha, xadgudubka ama jinsiga waa la mamnuucay.
Kabaha waa in la xidhnaadaa markasta dhismaha iyada oo ay ugu wacan tahay
shuruucda caafimaadka ee gobolku.
Kaliya okayaalaha dhakhtarku qoray ayaa la oggol yahay. Okayaalaha qorraxda waa in
la iska bixiyo marka dhismaha la galayo.
Inta badan maalmaha, ardayda dibad ayay aadi doonaan. Carruurtu waxay u baahan yihiin in
iskuulka ay yimaadaan iyagoo si haboon u labisan dhanka xaaladda jawiga (jaakooyin,
gacmogashi, buutka, iwm.)
Taa waxaa raacsan:
● Qoraalada lagu soo qorto gacmaha saa’idka ah, gacanta, wajiga, iwm LAMA ogola
iskuulka dhexdiisa oo waa laga dhaqayaa. Waxaa loo ogolaan doonaa kuwa cilaanka u
marsan.
● Ardaydu waa in jiimka ay usoo xirtaan kobo goome. Kobaha dacaska LAMA ogola oo
ma ahan kobo loogu talagalay fasallada jiimka. Kobaha lugaha leh (loo yaqan Heelies)
waxaa loo texgeliyaa kuwa aan ammaan ahayn in iskuulka lagu xirto oo lama ogolaan
doono.
Ardayda aan u hogaansanayn labiska saxda ah shaqaalaha iskuulka ayaa kala hadli doona
waxa ay u baahan yihiin in ay ku bedeshaan. Haddii ardaygu uu ku guuldaraysto inuu
dhibaatada labiska uu xaliyo, tallaabo ku bahoon ayaa laga qaadi doonaa.
Waalidiinta, shaqaalaha iyo kuwa soo booqda ayaa sidoo kale laga filayaa in ay raacaad waxa
Degmo dugsiyeedka 742 ay ka filato ka soo baxaan dhanka labiska iyo muuqaalka.
XUQUUQ DHAWRKA
Ardayda hadda loo aqoonsan yahay inay naafo yihiin, sida uu dhigayo IDEA waxa qaban doona
qodobada IDEA.
BAARITAANKA HORE EE CARUURTA
Sannadaha hore ee carruurta laga bilaabo markuu dhasho ilaa uu ka bilaabo dugsiga
barbaarinta carruurta [Kindergarten] wuxuu ku jiraa waqti kobac iyo waxbarasho oo degdeg ah.
Baadhitaanka Hore ee Carruurta waa baaritaan sahlan oo dhaqso ah oo lagu baarayo sida
carruurta ay yihiin marka ay ku jiraan da'da 3 1/2 ama 4 sanno jirka. Waxaa lagu ogaanayaa,
wajiga horey, barashada suurtogalka ah ama welwelka caafimaad ee uu qabi karo si carruurta
loogu helo kaalmada ay u baahan yihiin ka hor inta iskuulka uu bilaabmin. Baadhitaanka Hore
Ee Caruurta ayaa loo baahan yahay marka ardaygu galayo iskuullada dadwaynaha ee
Minnesota waxaana la sameeyaa sanadka oo dhan degmo dugsiyeedka ayaana bixisa.
Macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Waxbarashada Carruurta Yaryar 320-253-5828.
XIDHISTA DUGSIGA EE GURMADKA (LA XIDHIIDHA CIMILADA)
Fadlan dhammaystir foomka Xidhista Dugsiga kaasi oo iftiiminaya qorshayaasha xilli hore kala
dirista dhammaan ardayda. Foomamka waxa loo qaybin doonaa qoysaska ardaydayada
waxaana loo baahan yahay in lagu soo celiyo macalimiinta fasalka sida ugu dhakhsaha badan.
Haddii dugsigu bilaabmayo xilli dambe, xilli hore xidhmayo, ama u xidhmayo cimilada xun,
ogaysiin ayaa laga samayn doonaa meelaha isgaadhsiinta e soo socda: wwwisd742.org,
WJON/WWJO, KNSI/KCLD, KISS-FM, KKSR, WVAL/WHMH, KASM, KCCO-TV, KRWC, Cable
channel 6, WCCO, iyo KARE11 radio.
12
Marka lagu daro raadiyowyadan iyo tilifeeshanada, digniinaha cimilada waxa laga sheegi
websaytka St. Cloud Times oo ah www.sctimes.com. Sidoo kale waxaad daari kartaa keebalka
helista waxbarashada ee mandaqadda, Channel 187, bogga Facebook ee Degmada 742
www.facebook.com/isd742.org, ama websaytka Degmada 742 www.isd742.org warbixinaha u
dambeeyey ee xidhista iyo/ama bilaabista xilli dambe. Skylet (Nidaamka Farriinta Dugsiga)
ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in farriimaha looga diro qoysaska dhan, si loo ogeysiiyo
xidhista dugsiga iyo daahinta waqtiga dugsigu bilaabmayo sabab la xidhiidhta cimilada oo xun
darteed.
SAFARADA WAXBARASHADA LA XIRIIRA [FIELD TRIPS]
Marmarka qaarkood ardayda waxaa loo wadi doonaa safarro waxbarashada oo ardayda
fasalkooda/fasalkeeda ay israaci doonaan. Dhammaan safarada waxbarashada si haboon
ayaa loo maarayn doonaa oo macalinka fasalka ayaa waalidiinta/mas'uuliyiinta la soo socodsiin
doona ka hor inta safar waxbarasho ay tagi doonaan. Haddii AADAN doonayn in ubadkaaga uu
ka qaybqaato safarada waxbarashada, fadlan la soo xiriir xafiiska iskuulkaaga oo buuxi foomka
Ogolaanshaha Waalidka/Mas'uulka. Dhammaan kuwa doonaya in ardayda soo raacaan waa in
taariikhdooda dambi ay soo baaraan Community Education (Waxbarashada Jaaliyadda)
(Warqaddaha kuwa Tabbarruca waxa laga helayaa iskuulkiisa ilamahaaga ama Waxbarashada
Jaaliyadda[Community Education]).
CUNTADA iyo XASAASIYADDA CUNTADA
Sharciyo gobol oo gaar ah ayaa mamnuuca cuntooyinka "guriga lagu soo sameeyo" ee lagu
bixiyo meelaha bulshada. Carruurta ma keeni karaan cuntooyinka guriga lagu soo sameeyo oo
dhismaha ma soo gelin karaan inta lagu jiro iskuulka marka laga reebo haddii cuntada uu
ansaxiyo maclinka ama maamulaha iskuulka ee fasal gaar ah.
Waa sharci u yaala Degmo dugsiyeedka 742 in si joogto ah ay uga shaqeeyaan in dhismaha oo
dhan ay ka dhigaan meel nadiif ah, ahna bay'ad caafimaad leh oo ammaan ah, la isku hubo oo
ardayda, shaqaalaha, iyo kuwa soo booqda oo dhan u ogolaata in ay ka shaqeystaan iyo in ay
wax ku bartaan.
Degmo dugsiyeedka 742 waxay halkan ay qaadatay oo ay taageeraysaa Sharciga
Xasaasiyadda Cuntada Iskuulka(School Food Allergy Policy) ee dhammaan iskuullada.
Sharcigan waxaa kaloo ku jira howlaha saacadda iskuulka kadib la qabto.
XURYATUL QOWLKA
Arday kasta wuxuu xaq u leeyahay in abaabulo, qabto, iyo in uu fekirkiisa iyo wuxuu uu
aamisan yahay soo bandhigo haddiiba fekirkaas ahayn mid carqaladeyn ku ah howlaha caadiga
ah ee iskuulka ka socda. Hadalo gef, aflagaado, takoor, ama kadeed oo loola jeedo in lagu
carqaladeeyo goob waxbarasho ka socota lama isticmaali karo.
XANJO LA RUUGO
Xanjo la ruugo dhismaha dhexdeeda lama ogola.
DHIBAATAYNTA
Dhibaatayntu waxay yeelan kartaa qaabab badan waana habdhaqan aan fiicnayn kaasi oo si
wayn u farogaliya nolosha waxbarasheed ee ardayga. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu
darmeemo badbaado. Degmadu waxay taageertaa shaqaalaha oo dhan iyo xaqa ardayda ee
inay ku shaqeeyaan, ku bartaan oo ku koraan bey’ad badbaado ah oo togan.
13
Ku Dhibaataynta Jinsi – Ku dhibaataynta jinsi waa habdhaqan aan fiicnayn oo jinsi ah.
Siyaasadaha guddida dugsigu, iyo sidoo kale shuruucda gobolka iyo fadaraalku waa
mamnuuceen dhibaataynta jinsiga.
Ku Dhibaataynta Takoorta – Ku dhibaataynta takoorku waa faallooyin aan fiicnayn oo la
xidhiidha sinjiga qofku yahay.
Ku Dhibaataynta Hadalka – Ku dhibaataynta hadalku waa faallooyin hadal ah oo aan fiicnayn
kuwaasi oo ka dhiga qofku inuu dareemo ceebayn, hanjabaad ama badbaado la’aan.
Ku Dhibaataynta Jidheed – Ku dhibaataynta jidheed waa habdhaqan aan fiicnayn oo jidheed.
Dhibaataynta jidheed xaaladaha qaar waa sharci darro waxaana lagu qeexaa dambi, weerar
ama dhaqan aan hagaagsanayn.
Siyaasadda dhibaataynta waxa lagu dhejiyey dugsiga ilmahaaga ama waxa aad ka heli kartaa
maamulaha dugsigaaga.
Sidoo kale, maamulaha dugsigaagu sidoo kale wuxuu ku siin karaa khayraadka soo socda:
● Tilmaamo Hirgalinta Siyaasadda, iyo
● Hage Aasaasi ah ee waalidiinta iyo Ardayda Degmada 742 Minnesota. (Dokumentigan
sidoo kale waxa lagu heli karaa luuqadaha Isbaanish, Soomaali, iyo Fiitnaamiis.)
QULQULATAYNTA
“Qulqulatayntu” waxay ka dhigan tahay inuu qofi la kulmo khayaanooyin ama jees-jees
gabboodfal ama bahdil ah. Iyada oo la raacayo Sharciga MN ee 121A.69 iyo Siyaasadda
Guddida 526, “Hawlaha qulqulatayntu nooc kasta waa qaar aan waafaqsanayn ahdaafta
waxbarasho ee Degmo Dugsiyeedka 742 ee Mandaqadda St. Cloud waana mamnuuc
markasta.”
MACLUUMADKA DEGDEGGA EE CAAFIMAADKA
Qoyska ayaa ka mas'uul ah in ay soo gudbiyaan macluumaadka degdegga ee caafimaadka in
iskuulka ubadkaaga dhigto lagu soo wargeliyo inta lagu jiro todobaadka koowaad ee fasalladu
ay bilaabmaan iyo inta lagu jiro sannad dugsiyeedka goorta xogta caafimaadka ardayga wax
iska bedesho. Goorta ardayda ay xanuunsadaan ama shil ay la kulmaan inta lagu jiro
saacaddaha iskuulka uu sodo, qoyaska waa lagu soo wargelin doonaa si markaa abaabul ku
haboon ay u qabanqaabiyaan. Haddii ay daruuri noqoto in ubadka iskuulka laga qaado,
waalidiinta/mas'uuliyiinta waxaa looga baahnaan doonaa in ay xafiiska dhismaha ka soo
saxiixaan in ay horey ubadkooda u wadayaan.
Diiwaanada Caafimaad
Diiwaanada caafimaad ayaa loo hayaa arday kasta sida uu dhigayo sharciga Minnesota.
Tusaale ahaan macluumaadka waxa kamid ah:
• Taariikhda hore ee xanuun iyo hawlgallo.
• Taariikhaha tallaalada.
• Natiijooyinka baadhis arag iyo maqal.
• Natiijooyinka baadhitaano xirfadle.
Macluumaadka gurmadka ee arday kasta waa inuu ka fayl garaysan yahay kalkaalisada
dugsiga.
BARNAAMIJKA KORNIINKA IGA CAAWI (Help Me Grow)
Ma waxaa jira dhallaan cusub ama ubad noloshaada ku cusub oo aad welwel ka qabto?
Welwelkaas wuxuu noqon karaa sida ubadkaaga uu u socdo, u hadlo, u dhaqmo, u ciyaaro,
korniinka ama sida uu udhaqmo. Korniinka Iga Caawi waa ilooyin jaaliyad oo macluumaad
siiya qoysaska xogtaasoo ku saabsan korniinka dhallaanka, korniinka oo habsaama iyo iloolin
14
jaaliyadda oo loogu talagalay ubadka markuu dhasho ilaa uu ka gaaro todobo sano jir.
Kaalmadaan wax qarash ah kuguma fadhiyo. Macluumaad dheeraad ah wac: (320) 253-5828.
SHAQADA GURIGA
Layliyada shaqada gurigu waa kala duwanaan doonaa, iyada oo ku xidhan heerka fasalka
ardayga. Qoysasku waxay dhiirigalin karaan caadooyin iyo ku-camalfal waxbarasho oo
wanaagsan iyaga oo siinaya meel daraasayn oo deggan oo abuuraya wakhti joogto ah
habeen kasta shaqo guriga/akhriska.
XANUUNSIGA/DHAAWAC DUGSIGA KA DHACA
Waalidiin badan ayaa sida badan ka warwara marka ardaydu ay tahay inay guriga joogaan.
Talobixinaha soo socdaa waxa loogu talogalay inay ka caawiyaan go’aankan.
● Haddii ilmahaagu leeyahay xummad (heerkul ka sarreeya 99.8), ilmahaagu waa inuu
joogo guriga 24 saacadood kadib marka heerkulku ku soo noqdo caadiga.
● Haddii ilmahaagu matagayo ama shuban lahaa, ilmahaagu waa inuu joogo guriga 24
saacadood kadib dhacdada u dambaysa.
● haddii ilmahaagu leeyahay finan shuruuruc ah kuwaasi oo ay dhici karto inay cudur la
xidhiidhaan ama aanad garanayn sababta, ha eego dhakhtarka qoyskaagu kahor
intaanad ilmaha u soo dirin dugsiga. Qoraalka dhakhtarku waa inuu la socdaa soo
laabashada ilmahaaga ee dugsiga.
● Haddii ilmahaagu muujiiyo calaamado infakshanka indhaha (indhaha oo basali ama
casaan noqda), guriga ku hay oo fadlan ha eego dhakhtarka qoyskaagu. Haddii daawo
loo qoray, ilmahaagu waa inuu guriga joogo 24 saacadood kadib marka daawada oo
bilaabay.
● Carruurta loo qoray antibayootig (cune xanuun, tusaale ahaan) waa inay joogaan guriga
24 saacadood kadib marka daawada loo bilaabay.
Haddii aad qabto su’aalo la xidhiidha caafimaadka ilmahaaga, fadlan la xidhiidh kalkaalisada
dugsiga soo booqata dugsiga.
Baratakoolka Injirta Madaxa (Injir):
Marka ardayga injir looga shakiyo, ardayga shaqaalaha iskuulka ayaa fiirin doona. Haddii la
xaqiijiyo, waalidiinta/mas'uuliyiinta waa lagu wargelin doonaa in ay qabanqaabiyaan in la soo
daweeyo oo ilaa intaa iskuulka laga joojiyo. Ardayda fasalka dhigta oo dhan lagama baarayo
haddii fasalka dhexdiisa looga shakiyo in injir ay ku jirto. Haddii la caddeeyo in injir ay jirto,
shaqaalaha iskuulka waxay guryaha ay u dirayaan warqad (NS08.04) "Ogeysiis Injir" oo loo
dirayo waalidiinta/mas'uuliyiinta ardaygooda dhigata iskuulka xannaada ka hor ilaa kuwa da'da
dugsiga hoore dhigta. Kiisaskii ay soo sheegaan shaqaalaha iskuulka iyo/ama waalidka waa la
qori doonaa (diiwaangelin) si loola socdo oo dib loo baaro.
Carruurta lagu arko qanjaciir injirta (ukunta), oo aysan injir nool ahayn, waa loo ogolaan doonaa
in iskuulka ay soo xaadiraan. Carruurta ay injirta ku jirto inta badan looma ogolaanayo in
iskuulka ay sii joogaan. Ubadka lagu helo injir nool guriga ayaa loo diri doonaa isagoo horey
loo siin doono "Tilmaame Ka Saarista iyo Ka Hortagga Injirta Madaxa" (NS08.02). Ubadka
iskuulka waa loo ogolaan doonaa mar haddii laga saaro injirta oo la dhameeyo. Laba
maalmood oo maqnaansho cudurdaar leh ayaa la ogol yahay in ubadka lagu helo in injir ay ku
jirto la siiyo. Inta lagu jiro mudadaas waa in la qaadaa talaabooyin ku haboon ee injirta looga
saarayo. Laba maalmood ka dib, maqnaansho dheeraad ah ee la xiriira injirta ka
saarista/dawaynta waxaa loo qaadan doonaa in maqnaansho aan cudurdaar la'hayn.
Maqnaanshaha aan cudurdaarka la'hayn ee la xiriira injirta madaxa waxaa lagala xaajoon
doonaa kalkaalisada iskuulka joogta ee shatiyaysan iyo maamulaha iskuulka iyadoo loo baahan
15
doono in loo wareejiyo ilooyinka bulshada haddii loo baahdo. Si loo yareeyo saacad
waxbarasho oo lunta, haddii ardayga lagu arko injir ku soo noqnoqota, kalkaalisada iskuulka
joogta, iyadoo ay kaashanayso maamulaha iskuulka, ayaa go'aamin doona haddii la
ogolaanayo in iskuulka laga saaro. Goorta ay la noqoto in loo baahan yahay, kalkaalisada ayaa
la kulmi doonta waalid(diinta)/mas'uuliyiinta iyo maamulka iskuulka si meel la isla dhigo
tallaabada daawayn ee uga haboon ee la qaadi la'haa.
Qaniinyada Dadka/Gaarsiinta Dheecaanka Jirka:
Marmarka qaar, waxaa dhacda in iskuulka dhexdiisa la isku qaniino. Maxaa yeelay waxaa dhici
karta in ardayga dheecaanka ka soo gaaro xannuun la isqaadsiin karo, qorshaha iskuulka ayuu
wuxuu yahay in waalidiinta lagu wargeliyo ardayda ku lugta leh. Goorta ay dhacdo qaniinyo,
iskuulka waxaa dhici karta inuu ku taliyo in ubadkaaga takhtarkiisa/eeda lala xiriiro oo lala
tashado. Way jiri kartaa suurtogal ah in dhiig iyo dheecaan ardayda uu gaaro, gaar ahaan kuwa
ciyaartooyda ah ee ciyaaraha ku jira. Kalkaalisada iskuulka ayaa waxaa dhici karta in
waalidiinta ay ula xiriiraan takhtarkooda si daryeel dabagal ah loogu sameeyo haddii ay jiraan
inuu ku faafay.
Cudurka Shannaad [Fifth Disease]:
Cudurka Shanaad(Fifth Disease) waa xanuun fayrus ka yimaad oo carruurta ku caan ah.
Ifafaalooyinka waa qandho hooseysa iyo in dhafoorka ka soo bax aad u muuqda ka soo baxa.
Wuxuuna u egyahay in ubadkaaga dhafoorkiisa qof kale uu dharbaax ku dhuftay. Sidoo kale
nabro yaryar, ayaa waxaa dhici karta inuu ka soo baxaan gacmaha iyo lugaha. Xannuunka
waxaa ugu daran oo la isqaadsiin karaa marka uu hor leeyahay ifafaalooyinka, oo uma badna
inuu faafo marka nabraha yaryar ay soo baxaan ka dib. Haddii ubadka aysan qandho hayn oo
uu FIICAN yahay, ardayga iskuulka ayuu sii joogayaa.
DUGSIGA BARBAARINTA CARUURTA [KINDERGARTEN]
Degmo dugsiyeedka 742 waxay bixiyaan maalintii oo dhan, Dugsiga Barbaarinta Caruurta
maalinkasta oo ay u fidiyaan qoys kasta ee dugsi hoose kasta. Ubadkaaga ku qor Dugsiga
Barbaarinta Caruurta ee Xarunta Soo-Dhoweynta ee Degmo dugsiyeedka. Dhammaan
foomamka diiwaangelinta iyo qariidada iskuulkaadka lagu qori karo waxaad ka heli kartaa
bogga internetka ee isd742.org waxay hoos timaadaa qaybta "Qoysaska" [Families] iyo
diiwaangelinta ama waxaad soo wici kartaa Xarunta Soo-Dhoweynta ee 320-202-6897.
BARNAAMIJYADA DHEXGALKA LUQADDA
Degmo dugsiyeedka 742 waxay bixiyaan laba Barnaamij Dhexgal dhanka luqadda ah:
Isbaanish iyo Mandarin Shiinees. Ardayda dhigta barnaamijyadan luqad labaad waxay ka
kororsan karaan waxbarashada maalin la'ha ee caadiga ee maadooyinka maalin kasta loo
dhigo Ardayda dhigata fasallada Dhexgalka ee ku jira Dugsiga barbaarinta caruurta ama fasalka
1aad aysan ka ahayn haddii ardayga luqad kale ku hadlo oo uu barnaamij luqad labaad ku jiro.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyadan, soo wac maamulaha iskuulka halka
barnaamijka laga bixiyo ku yaalo ama Iskuxiraha Degmo Dugsiyeedka ee Xarunta SooDhoweynta ka soo wac 320-202-6897.
Dhexdalka Af Shiinaha
Dugsiga Hoose ee Madison 320-252-4665
Dhexgalka Af Isbaanishka
Dugsiga Hoose ee Clearview 320-743-2241
CINJIRKA (LATEX)
Dugsiyada Degmada 742 waa meel ka madhan cinjirka. Biibiiyada, gacmo-gashiyada ama
waxyaalaha kale ee cinjirkku kujiro lama oggola Dhismaha Degmada 742.
16
QAANADAHA/LOKARRADA
Ardayda oo dhan waxa la siiyaan lokar. Lookarka ardayga dugsigu waa hantida Degmo
Dugsiyeedka St. Cloud waana in loo isticmaalo ujeedooyinka soo socda: meel lagu kaydsado
buugaagta, agabka dugsiga, iyo dharka dibadda lagu xidho. Wixii kharash dayactirka
waxyeelada soo gaadhay lokarku waxay saaran tahay ardayga. Wax kasta waa in laga qaado
lokarrada dhammaadka sannad dugsiyeedka, wixii ku hadha lokarrada dhammaadka sannad
dugsiyeedkana waxa dhici karta inaan la soo celin. Isticmaalka lokar aan ahayn ka ardayga la
siiyey waa la mamnuucay.
Hay’adaha dugsiga ayey dhici kartaa inay fuliyaan kormeerro muddaysan oo guud lokarrada
marka ay doonaan, bilaa ogaysiis, iyada oonu ardaygu oggolaan iyada oon oggolaansho loo
raadin. Wixii qufullo dugsigu aanu bixin ama oggolaan si dhakhso ah ayaa loo jari. Siyaasaddan
sidoo kale waxay khusaysaa lokarrada waxbarshada jimicsiga iyo lokarrada ciyaarta.
DHUMINTA MUDNAANTA DUGSIGA
Ardayda waxaa dhici karta inay dhumiyaan mudnaanta aadista hawlaha dugsiga, oo ay kujirto
salaadda, marka ay jabiyaan xeerarka dugsiga iyo siyaasadaha degmada. Marka arday laga
caydhiyo ama hakiyo dugsiga, ardaygu kama qaybqaadan karo ama daawan karo wixii hawl
dugsigu masuulka ka yahay ee manhaka ka baxsan iyo kalaab ah iyada oon la eegin goobta ay
ka dhacayso degmada oo dhan.
HANTIDA DHUNTA/WAXYEELOWDA
Kharash, magdhaw ama adeeg bulsho ayaa loo qiimayn ardayda/qoysaska taasi oo ka
tarjumaysa qiimaha beddelista/dayactirk marka ardaydu:
• waxyeelaan hantida dugsiga (lokarrada, miisaska, kuraasta, iwm.)
• waxyeelaan/dhumiyaan qoraallada ama buugaagta laybareeriga
• waxyeelaan hantida gaarka ah ee ardayda kale/shaqaalaha
Kharashka waa in la siiyo dugsig kahor dhammaadka sannad dugsiyeedka. Tani waxay noqon
doontaa meesha ay iska taagaan maamulku.
WIXII LUMAY & LA HELAY
Sannad kasta alaabo badan oo dhar ah ayaa luma oo aan dibna loo helayn. Tiradan in badan
ayaa la yarayn karaa marka carruurta la xusuusiyo in ay muhiim tahay in ay noqdaan kuwo
mas'uul ka ah waxa ay iska leeyihiin oo ay si joogto ah uga fiiriyaan "Wixii Lumay & La Helay"
meesha la dhigo. Magacyada ardayda waa in lagu qoraa ardayda maryahooda gacanta,
jaakooyinka, sanduuqa qadada, iwm. Dharka aan la soo doonayn marka ay bisha
dhammaadkeeda ururrada samafalka ayaa loo sadaqayn doonaa.
Waalidiinta ayaa looga baahan yahay in ay ka taxadiraan goorta ubadkooda ay soo
siinayaan walxo qiimo ku fadhiya. Walxaha qaaliga ah sida walxaha dhegaha lagu xirto,
qalabka elegtarooniga, iboods, telfoonka gacanta, ciyaaraha fiidiyowga, boon-balada, kaarka
turubta, ama waxyaabaha kale ee qiimaha leh ma ahan in iskuulka la keeno. Degmo
dugsiyeedka 742 ma hayo wax caymis ah ee waxyaabahan oo kale, sidaa-awgeed la soco
dhibaatooyinka la socda.
TABINTA AWOODDA LA SIIYEY
Shaqaalaha dugsig Degmada 742 sharciga ayaa awood u siiyey inay tabiyaan dhammaan
dhadooyinka gabboodfal ama gabboodfalka ama dayaca laga shakiyo inuu dhacay. Tan waxa
kamid ah, gabboodfalka jinsi ama niyadeed. Gabboodfallada qabanqaabooyinka haynta ilmaha
ayaa sidoo kale kujira.
17
XILLIYADA CUNTADA
Diiwaanada Barnaamijka Quraacda/Caanaha/Qadada waa qaar kombiyuutar ku shaqeeya.
Dhammaan ardayda, laga reebo dugsi-horraadka, waxa la siiyaa PIN lambar si ay u galaan
xisaabtooda. Dhammaan lacagta quraacda/caanaha/qadada dugsiga loo diro waxa lagu
ururiyaa hal xisaab. Hase yeeshee, waxay wax-ku-ool badan tahay haddii
quraacda/caanaha/qadada loo iibsado qaybo hal toddobaad ah, laba toddobaad ah, hal bil ah,
iwm.
Qiimayaasha Quraacda/Caanaha/Qadada 2015-2016:
Nooca Xilliga Cuntada
Quraacda
Qadada
Dugsiga Hoose
$1.50
$2.55
Dugsiga Sare
$1.55
$2.75
Qiime dhinka ku mutaystay
Bilaa Lacag
Bilaa Lacag
Caanaha
$0.45
$0.45
Qofka Wayn
$2.30
$3.90
Macluumaadka la xidhiidha xilliyada cuntada ee bilaashka ah ama qiimaha la dhimay waxa laga
heli karaa xafiisyada dugsiga ama isd742.org
(Fadlan ogow: Caanaha/Juuska (cuwaafta) qayb kama aha Barnaamijka Bilaashka/Qiime
Dhimista.)
Haddii ardayga caanaha xasaasiyad uu ku qabo, cabbitaan ayaa la siin karaa. Fadlan
kalkaalisada iskuulka joogta u keen warqad takhtarka aad ka keentay. Mar walba qoysaska
waxaa lagu soo dhowaynayaa in ay ardayda qadada ku soo biiri karaan. Waxaan kaa
codsanaynaa in ubadkaaga iskuulkiisa aad soo wacdo kama dambays 9:00 a.m. maalinta si
qadadaada aad u dalabto.
Dookhakha Dugsiga: Sharciga Cuntada N.857 wuxuu dhigayaa in cuntooyinka lagu
isticmaalayo dugsiga ay ahaadaan qaar ganacsi ahaan moorgaraysan ama lagu diyaariyey
dugsiga. Cuntooyinka guryaha lagu sameeyey LAMA oggola dugsiyada dadwaynaha. (Haddii
ilmahaagu qorshaynayo xaflad ama dabbaaldeg, waxaanu kugu boorinaynaa inaad samayso
qabanqaabooyinka oo aad ka dhigto casuumadaha dibadda maalinta dugsigu aanu jirin.)
XARUNTA WARBAAHINTA
Macluumaadka iyo khayraadka waxa laga heli karaa xarumaha warbaahinta dugsiga. Ardaydu
waa inay leeyihiin aqoonsi dugsi si loogu hubiyo wixii buugaag ama wax kale ah. Wax aqoonsi
kumeel gaar ah la bixin maayo.
DAAWADA
Shaqaalaha Degmada 742 waxay siin doonaan daawo ama hab-raacyo caafimaad iyo/ama
daawayno inta lagu jiro maalinta waxbarashada sida uu dhigayo Sharciga Minnesota 121A.22
iyo 121A.2205. Ardaydu waxay u baahan karaan daawo loo qoro dugsiga si ay uga
faa’idaystaan waayo-aragnimadooda waxbarasheed.
SHARCIGA TALLAALKA MINNESOTA
Sharciga Minnesota, Qaybta 121A.15 wuxuu dhigayaa in carruurta oo dhan, kahor intaan la
qorin dugsi Minnesota, in laga tallaalo qawracada, teetanada, kixda, dabaysha, jadeecada,
qanjo bararka iyo rubeellada, Cagaarshow B, Hablo-baasta/busbuska iyo (Hib dhammaan
18
dugsi-horraadyada) ama buuxiyaan mid kamid ah beddellada la oggol yahay. Sharcigu wuxuu
oggol yahay dhaafisyada soo socda:
• Bayaan saxeexan oo ka socda dhakhtar oo ka dhaafaysa qofka tallaal loo baahnaa
sababo caafimaad awgood.
• Bayaan nootayo lagu qoray kaasi oo sheegaya in tallaalka uu ka hor imanayo qofku
waxa uu rumaysan yahay.
Sharcigu wuxuu sheegaya in maamulka dugsigu ka saari doono ardayga dhigashada dugsiga
haddii uu keeni waayo dokumenti saxeexan oo muujinaya in ardaygu uu ku dhaqmayo sharciga.
AALADAHA BUUQA BADAN
Maadaama ay khatar ama dhaawac gaadhsiin karto dadka kale, ardayda waa la anshaxmarin
haddii ay haystaan tooyis halis ah ama aaladaha buuqa badan inta ay dugsiga joogaan.
XUQUUQDA WAALIDKA/MAS'UULKA/ARDAYGA IN DIIWAANKA ARDAYGA UU ARKO
Xeerarka dowladda Federaalka wuxuu dhigayaa in waalidiinta/mas'uuliyiinta iyo ardayda loo
baahan yahay in lagu wargeliyo xuquuqda ay leeyihiin in ay arkaan diiwaanka waxbarashada
ubadkooda. Adiga halkan ayaa lagugu wargelinayaa in si bilaash ah aad u heli kartid diiwaanka
waxbarasho. Haddii aad danaynayso in aad aragto diiwaanka, fadlan la soo xiriir xafiiska
maamulaha dhismaha ee iskuulka ubadkaaga uu dhigto.
GACAN KU HAYNTA WAALIDKA
Waalidiintu mararka qaar waxay codsadaan in labada waalid midkood aan loo oggolaan inuu
booqdo dugsiga, la hadlo carruurta, ama u dugsiga u soo qaado.
Si Degmada 742 ay u fuliso xannibaadaha noocan ah, waalidka gacanta ku haya waa inuu
keeno amar maxkamadeed ama dokumenti sharci ah dhismaha maamulaha. Xaaladaha
badankooda, xannibaadahan waxa dhiga iyada oo la marayo dacwad sharci. Macluumaadku
wuxuu u oggolaanayaa maamulaha inuu si dhakhso ah uga jawaabo codsigaaga oo uu noqdo
mid waafaqsan sharciga, iyada oo la aqoonsan yahay xuquuqda labada waalidba.
XUQUUQDA CODSIGA
Ardayd waxa loo oggol yahay inay u keenaan codsiyo maamulka marka ay doonaan. Hase
yeeshee, ururinta saxeexyada codsiga waa in loo sameeyo qaab aanu ku keenayn arbush
fasalka ama dugsiga. Fiiri sidoo kale, u dhaqdhaqaaqa.
RABBAAYADAHA
Badbaadada ardayda oo dhan darteed, xayawaanka la rabbaysto dugsiga loo oggolaan maayo.
Xayawaanka kaqaybta ah manhajka waa la isticmaali karaa marka oggolaasho laga helo
maamulaha si uu u go’aamiyo haddii dhibaato caafimaad ay u leeyihiin ardayda fasalka kujirta.
Waxyeelo ka reeban ayuu tixgalin karaa maamulaha dugsigaagu haddii xayawaanku si toos ah
u raadaynayo awoodda ardaygu u leeyahay inuu si buuxda uga qaybqaato fasalka iyo xarunta
dugsiga.
FASAXA SAWIRKA
Sannad dugsiyeedka oo dhan, wakiilada warbaahinta kala duwan, sida, jaraa’idka, tilifishanka,
iyo Adeegyada Warbaahinta Degmad 742, waxay tabin doonaan dhacdooyinka dugsiga ee war
noqon kara. Marar badan sawirro ama fiidyawyo ayaa la qaadi doonaa waxaana dhici karta
ardayda in la aqoonsado. Degmada waxa dhici karta inay u isticmaasho sawirrada ardayda
keybalka Channel 187, janalka waxbarashada iyo daabacaadaha isgaadhsiinta ee kale.
19
Haddii AANAD rabin ardaygaaga inaan loo sawirin qaab lagu aqoonsan karo fadlan
dhammaystir waraaqda Oggolaanshaha Ogaysiinta Waalidka/Mas’uulka 2015-2016 ee taalla
xafiiska dugsigaaga.
WAXBARASHADA JIMICSIGA
Haddii ilmahaagu aanu awoodin inuu kaqaybqaato hawlaha jimicsiga, waa inaanu haysanno
bayaanka dhakhtarka oo codsnaya inaanu kaqaybqaadan. Uga cudurdaarrada waxbarashada
jimicsiga arrimo diimeed ama arrimo jidheed oo kumeel gaar ah waxa loo maarayn karaa qaab
fardi ah.
XOOG KU HAYNTA/XOOG MACQUUL AH
Sharciga Minnesota wuxuu oggol yahay isticmaalka xoog macquul ah ee macalinka,
shaqaalaha dugsiga, dirawalka baska, wakiilka kale ee degmo dugsiyeedka marka ay daruuri
noqoto marka la eego duruufaha in xoog lagu hayo arday ama laga hortago dhaawac jidheed
ama dhimashada qof kale. Shaqaaluhu waxa dhici karta inuu isticmaalo xoog ku haynta marka
uu sito shahaadada Dhexgalidda Kahortagga Dhibaatada (Crisis Prevention Intervention [CP]I).
Tani ma oggolaato edbin jidheed mana aha hab-raacyo la necbaysto iyo wax ka mancin.
DHAARTA U DAACD NOQOSHADA
Ujeeddo
Guddida Dugsigu waxay aqoonsan tahay baahida in wax loo baro aadaabta saxda ah,
bandhigga, iyo qaddarinta calanka Maraykanka. Siyaasaddan ujeedadeedu waa in la siiyo
dhaarta u daacad noqoshada iyo ku barista dugsiga si looga caawiyo ku fogaanshaha
ujeedadaas.
Bayaanka Guud ee Siyaasadda
Ardayda degmo dugsiyeedkan waa inay akhriyaan dhaarta u daacad noqoshada calanka
Maraykanka hal ama kabadan oo jeer toddobaadkii. Akhrinta waa inuu fuliyo:
• Macalin kasta oo fasal ama wakiilka macalinka; ama
• Iyada oo la marayo nidaam intarkom oo dugsigu leeyahay oo uu qof maamuluhu u
xilsaaray fuliyo ama qof kale oo haysta awoodda maamul ee dugsiga.
Waxyaalaha ka reeban
Ardayga ama macalinku waxa dhici karta inuu diido inuu kaqaybqaato akhrinta dhaarta u
daacad noqoshada calanka. Shaqaalaha ama ardayda, doorta inayna kaqaybqaadan, waxay u
fadhiisan ama u taagnaan si deggan iyo ixtiraam leh inta akhrintu socoto. Ardaydu waa inay
ixtiraam muujiyaan doorashada inayna akhriyin dhaarta.
Tilmaamaha
Ardayda waxa la tusin/tilmaami doonaa aadaabta saxda ah, bandhigga saxda ah iyo ixtiraamka
calanka iyo layliyo waddaniyeed.
HAYSASHADA HANTI LA XADAY
Haysashada walxo, alaab, ama mulkiyad kuwaasi oo uu iska leeyahay qof kale ama degmo
dugsiyeedku oggolaansho la’aanta mulkiiaha ama dugsiga waa la anshaxmarin doonaa
waxaana suurogal ah in bilayska loo gudbiyo.
XEERARKA BOODHKA/CALAAMADDA
Boodhadhka ama calaamaha waxa lagu dhigi karaa dhismaha oggolaansho laga helo
maamulka. Ururka ama qofka ku dhejiyey waa inuu ka fujiyaa boodhadhka maalinta ku xigta
dhacdada ama shaqada ay ku xayeysiiyeen.
20
SALAADDA
Sharciga Gobolka iyo Fadaraalku waxay u sameeyeen qodobo tukashada dugsiga. Marka
ardaydu ay ka baxaan xarunta waxbarasho iyaga oo aadaya salaadda, ku-camalfalka salaaddu
waa udub dhexaad u tahay diin oo ayna ahayn wax qofku iska sameeyo. Degmada 742 waxay
leedahay xaqa inay u dhigto xannibaadaha wakhti macquul ah, meel iyo hab wixii codsi fasaxa
lagaga doonayo waxbarshada ama hawsha aa waxbarshada ahayn. Degmada 742 waxay u
baahan kartaa qoraal sax ah oo ka socda waalidka ama mas'uulka kahor intaan ardayga loo
oggolaan inuu u baxo wakhtiga waxbarshada salaadda. Xadka wakhtiga ka bixitaanka
xarunta waxbarshada waa inaanu ka badnaan shan iyo toban (15) daqiiqo fasax kasta (10
daqiiqo oo salaada ah iyo 5 daqiiqo oo sii/soo socodka ah). Degmada 742 waxay leedahay
xaqa ay ugu diidi karto ardayga fasaxa wakhtiga waxbarshada inuu u baxo salaadda ama wixii
kale ee diintu farayso haddii ardaygu ku gabboofalo mudnaanta.
HANTIDA GAARKA LOO LEEYAHAY EE JAARKA/DERISKA
Hantida ku qabsan xerada dugsigu waa mid gaar loo leeyahay. Ardaydu waa inay ku
nagaadaan dugsiga ama dhabbooyinka lugta ee dadwaynaha kahor, inta lagu jiro ama kadib
maalinta dugsiga. Fadlan noqo jaar fiican oo qaddari hantida iyo asturnaanta jaarkeena.
PTA/PTSA/PAW
Ururka Waalidka, Macalinka iyo Ardayda [PTSA] waxay fidiyaan taageero dhanka
akadeemiyadda iyo barnaamijyada bulshada. Xubin ka ahaanshaha PTA/PTSA waa iska-waxu-qabso, oo xubnaha ujro xubin ka ahaansho ayay bixiyaan. Ururka waxaa ka taliya Guddi
Maamul Sare oo kullamo ayay bishiiba qabtaan. PTA/PTSA ayaa waqtiga iminka bixiya
taageero dhaqaale oo ay ku bixiyaan howlo dhowr ah oo ardayu ka qaybqaataan. PTA/PTSA
waa isha koowaad oo bixiya howlaha qoyska iyo ciyaaraha iskuulka ka dib la qabto.
Macluumaad ku saabsan xubin ka ahaanshaha iyo macluumaad ku saabsan Guddiga
Maamulka Sare waxaad ka helaysaa iskuulka ubadkaaga uu dhigto.
QORSHAHA DIB-U-OGOLAANSHAHA/OGOLAANSHAHA
Maamule kasta ee iskuulka ayaa diyaarin kara oo amar ku bixin kara qorshe dib-u-ogolaansho
ama ogolaansho loogu talagalay arday kasta oo iskuulka laga joojiyay, laga saaray, ama
iskuulka oo dhan laga buriyay. Qorshaha waxaa ka mid noqon kara tallaabo lagu wanaajinnayo
aqlaaqda ardayga oo waxaa loo baahnaan doonaa in qoyska ay kaalin ku yeeshaan.
NAFISKA
Marka jawiga suurtogaliyo, dhammaan ardayda oo dhan banaanka ayay nasasho u tagayaan.
Fadlan ubadkaaga si jawiga ku haboon ugu soo labis. Inta lagu jiro xiliga jilaalka [winter]
ardayga waxaa looga baahan yahay inuu soo xirto kobaha barafka iyo surwaalka barafka.
Haddii ubadkaaga uu qabo xaaladdo caafimaad daro ee ka reebaya in isaga/iyadu ay banaanka
u baxaan, la soo xiriir xafiiska caafimaadka ee iskuulka. Waxaa dhici karta in iskuulka uu ku
waydiisto in takhtarka warqad laga yimaado. PreK-Gr. 5 ardayda banaanka uma baxayaan
haddii xaraarada ay gaarto in ka hoosaysa siiro digrii Fahrenheit.
TABINTA
Ardayda oo dhan waxa laga filayaa inay tabiyaan xadgudubyada Xuquuqda iyo Masuuliyadaha
Xeerka Anshaxa ee macalin, la-taliye, ama maamule dhisme. Ardayga arkaya ficil raadaynaya
badbaadadu waa inuu ugu tabiyo macluumaadkan isla markaaba shaqaalaha dugsi.
21
KU HAYNTA
In ardayga la sii hayo ayaa waxaa go'aamin kara shaqaalaha xirfadda u leh iyo
waalidiinta/mas'uuliyiinta haddii ay dareensan yihiin in ardayda ay dan ugu jirto in la sii hayo.
Guul ka gaarista heerka fasalka ee xirfaddaha, aqoonta, bartilmaameedka iyo fekraddaha waa
loo texgelinayaa iyo sidoo kale heerka aqoonta ardayga ee aqrista, maadada luqadda iyo
xisaabta. Sidoo kale waa in la texgeliyaa korniinka jirka ardayga, fahamka iyo shucuurta
ardayga. Dhicitaan kasta ee ardayga dhaco waxaa loo raacayaa habmaamuuska Degmo
dugsiyeedka ayaa la raacayaa.
XUQUUQDA IYO MASUULIYADAHA XEERKA ANSHAXA
Muwaadin fiican dugsiga ayaa laga filaa inuu noqdo arday kastaa. Ardaydu waxay iskula
dhaqmi si qaddarin leh una isticmaali doonaan dhismahayaga si qaddarin leh.
Dokumentigan wuxuu siinayaa ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha liis ah xuquuqda iyo
masuuliyadaha la leeyahay ahaanta xubnaha bulshadan darteed. Sidoo kale wuxuu sharxayaa
habdhaqanada aan la aqbali karin xarunta dugsiga, hantiyaha degmada, basaska dugsiga iyo
meelaha ay joogsadaan, iyo dhammaan shaqooyinka dugsiga la xidhiidha. Dokumentigan waxa
kujira sidoo kale tallaabooyinka saraakiisha dugsigu ay tahay inay qaadaan ka jawaabista
habdhaqanada aan la aqbali karin. Siyaasaddan sidoo kale waxay khusaysaa arday kasta oo
dhaqankiisu markasta ama meel kasta uu farogalinayo ama caqabad ku noqonayo oraahda
howlgalka ama hawlgallada Degmo Dugsiyeedka ama badbaadada ama daryeelka ardayga,
ardayda kale ama shaqaalaha.
GUDDIDA DUGSIGA EE WAXBARASHADA
Guddida Waxbarashadu si joogto ah ayey u kulmaan laba jeer bishii Arbacada labaad
(kalfadhiga shaqada) iyo Khamiista afraad (kulanka ganacsiga) haddii ay wax kale jiraan
mooyaane. Kulan kooban oo dhexmara Guddida Waxbarashada ayaa (ajandaha
oggolaanshaha) ayaa la qaban doonaa bilawga kalfadhiyada shaqada ee billaha ah, haddii loo
baahdo. Kalfadhiyada shaqada ee billaha ah waxa lagu qabtaa 6:30 g.d. xafiiska Maamulka ee
Degmada 742, 1000 North 44th Avenue, St. Cloud. Kulamada ganacsiga ee billaha ah waxa
lagu qabtaa 7:00 g.d. the St. Cloud City Hall Council Chambers, 400 2nd Street South, St.
Cloud.
SARKAALKA ILAHA DUGSIGA
Isagoo kaashanaya Waaxda Bilayska deegaanka, sarkaal khayraadka bilayska ah ayaa loo
xilsaaraa dugsi kasta. Marka laga daro si dhaw ula shaqaynta maamulayaasha dugsiga iyo
shaqaalaha, sarkaalka bilayska ah wuxuu bixiyaa soojeedimaha fasalka kusaabsan dhinayada
kala duwan ee badbaadada qofka iyo dugsiga, wuxuu sameeyaa baadhitaano wuxuuna joogaa
dugsiga maalinta dugsiga oo dhan. Maamulayaashu waxay ku lug yeelan bilayska ama
hay’adaha sharci fulinta ee kale marka loo baahdo si loo joogteeyo bey’ad badbaado iyo sharci
leh. Haddii arday uu jabiyo siyaasadda degmada taasi sido kale waxay jabinaysaa sharciga,
ardayga waxa loo gudbin doonaa sarkaalka khayraadka dugsiga.
BAADHITAANADA
Sarkaal dugsigu awood u siiyey ayaa baadhi kara hantida arday ama ardayda iyada oo lagu
salaynayo macluumaadka laga helay ilo lagu kalsoon yahay. Waxa soo socdaa waa qaar kamid
ah meelo gaar ah oo ay dhici karto inaanu baadhno marka la joogo hantida degmada: baabuurta,
lokarrada, hantida qofka, dharka ama boorsooyinka dhabarka. Dugsiyadu sidoo kale waxa dhici
karta inay iskaashadaan sharci fulinta deegaanka si ay u sameeyaan baadhitaano K-9.
22
HAB-RAACYADA AMMAANKA
Dugsi kasta, albaab gaar ah ayaa loogu talogalay inay waalidiinta iyo booqdayaashu ka soo
galaan. Kuwa kale oo dhan waa xidhnaan doonaan. Fadlan hubi bogga hore ee buuggacmeedkan si aad u ogaato meesha uu ku yaallo albaabka habboon ee dhismaha ilmahaaga.
Marka aad soo gasho dhismaha, tag soodhawaynta ama xafiiska dugsiga oo ka qaado
calaamdda booqdaha.
IMAATANKA
Dhammaan kuwa iskuulka yimaada oo wax ku iibiyaan waa in maamulka sare uu ansaxiyaa oo
waana xeerarka degmo dugsiyeedka.
HEERARKA LAGU SALEEYO DARAJADA
Ardayda fasalada lagu qoro waa mid ku salaysan horumarka ay ka samaynayaan heerarka
imtixaanada gobolka. Ardayda waxay kasban karaan hal iyo afar. Halka wuxuu tilmaamayaa
inaysan heer fiican ka gaarin, seddexna wuxuu tilmaamayaa faham oo afarna wuxuu
tilmaamayaa in ardayga uu muujiyay heerkii laga filanayay fasalka.
TABINTA HORUMARKA ARDAYGA
Warbixinaha horumarka korriinka iyo koboc qof ahaan ee carruurta dhammaan hawlaha
dugsiga ayaa loo diraa waalidiinta. Korriinka caafimaadka, la qabsashada bulshada,
caadooyinka shaqada iyo akhlaaqda ayaa la tixgaliyaa iyo sidoo kale horumarka akhriska,
qorisa, xisaabta iyo maaddooyinka kale. Shirarka Qoyska-Macalinka ayaa loo qabtaa ardayda
oo dhan. Shirarku waxay siiyaan waalidiinta iyo macalimiinta fursad ay kaga xaajoodaan
korriinka ardayga una qorsheeyaan si wadajir ah si ay u buuxiyaan baahiyahooga. Waxaanu
kugu boorinaynaa inaad codsato la-talin dheeraad ah marka aad doonto. Horumarka waxa
lagala socon karaa Skyward markasta.
ASTAAMAHA: KARAAHIYADA, JINSIGA AMA QOONSIGA
Sawirrada ama waxyaalaha kale ee u taagan astaamo ah qaar la karhayo, jinsi ama qoonsi ah
lama oggola dhulka ama agagaarka dugsiga marnaba. Qaar kamid ah astaamaha mamnuuca
ah waxa kamid ah, laakiin aan ku ekayn astaamaha xidhiidhka calamada ama iswaastikaska,
jinsiga ama astaamaha kale ee loo haysto inayna u habboonayn dad kale. Maamulk wuxuu xaq
u leeyahay inuu la wareego oo uu la xidhiidho qoysaska. Dhacdooyinku waxa dhici karta inay
keenaan tallaabo anshaxmarin oo uu maamulku qaado iyo suurogalnimada inuu bilaysku ku lug
yeesho.
TEKNOOLAJIGA: QALABYADA ELEKTOROONIGGA SHAQSI (PEDs)
Ardayda waxaa lagu dhiirigelinayaa in PEDs ay guryaha iskaga soo dhaafaan; PEDs lama
isticmaali karo inta iskuulka lagu jiro oo cashar uu socdo aysan ka ahayn haddii uu amro xubin
ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haddii ardayga uu doorto in qalab uu keensado, degmo
dugsiyeedka masuul kama ah wixii ujra dheeraad ah ama wixii lagu soo dalaco haddii la
isticmaalo. ISD 742 wax mas'uul kama ahan wixii qalabyo elektranoonig ah ee luma ama
la xado. Iskuulka mas'uul kama noqon doono ammaankooda. Wixii la xado baaritaan
ayaa lagu samayn karaa waa haddii maamulka iskuulka uu rabo.
Ardayda waa loo ogol yahay in telefoon muhiim ah ay meel u dirsadaan ama fasalka dhexdiisa
xiriir hadal waa haddii macalinka uu fasax u siiyo.
23
Si xun u isticmaalid
Shaqaalaha iskuulka way ka qaadan karaan arday PED haddii la isticmaalo inta iskuulka la
joogo. Qalabka xafiiska ayaa lagu hayn doonaa ilaa iyo maalinta ka dhammaato. Maamulaha
waxaa dhici karta in waalidka ama mas'uulka uu iskuulka yimaado si qalabka uu uqaadto.
Baaritaanada
Wax qalab elektaroonig oo shaqsi ah maamulaha ama qofka u qaabilsan way baari karaan
haddii ay jiraan tuhun suurtogal ah oo ku aadan in xeerka iskuulka in gef PED la xiriira loo
geystay ay dhacday.
ISTICMAALKA TEKNOOLAJIYADAA/MASUULNIMO
Degmada 742 waxay awood u siisaa ardayda Internet, nidaamyada internetka bilaa xadhigga
(wireless), kombiyuutarro, mishiinada daabacaadaha oo xidhiidhsan iyo aaladaha kale la
xidhiidha oo si buuxda looga helo meel kasta oo degmada ka tirsan. Shaqaaluhu waxay ku
dareen manhajka isticmaalka caqli ku dhisan ee khayraadkan. Hanuunin iyo tilmaam ayaa la
siin ardayda isticmaalka habboon ee teknoolajigan.
Degmada 742 waxay ku dhaqantaa Xeerka Ilaalinta Internetka Carruurta ee Fadaraalka (CIPA)
kaasi oo xaddida helista suurogalka ah ee waxyaalo aan habboonayn. Dhammaan
kombiyuutarrada dugsiga ee Internetka leh lana heli karo waxa laga shaandheeyaa waxyaalaha
fuxshiga ah, dadka qaaqaawan ama waxyeelada u leh carruurta. Degmada 742 waxay xaq u
leedahay inay la socoto isticmaalka teknoolajiyadan si ay u joogtayso sharafta khayraadkan.
Siyaasadda oo dhammaytiran waxa laga heli karaa Siyaasadda Guddida 106 ee isd742.org.
Masuuliyadda
Ardaydu iyagaa ka masuul ah habdhaqankooda inta ay isticmaalayaan teknoolajiga degmada.
Dhammaan xeerarka dugsigu waa khuseeyaan habdhaqanka iyo isgaadhsiinta sida ay
dhigayaan siyaasadda degmadu iyo buug-gacmeedka ardaygu. Degmada 742 masuul kama
aha loomana qabsan karo tallaabooyinka ardayda inta ay isticmaalayaan khayraadkan.
Mudnaanta isticmaalka teknoolajiga degmada waxa la siin doonaa ardayda u dhaqma si
anshax, masuulnimo iyo tixgalin leh u dhaqma. Si xun u isticmaal ulakac ah wuxuu horseedi
doonaa tallaabooyin anshaxmarin oo dheeraad ah iyo/ama ciqaabo sida ay dhigayaan
shuruucda ku habboon ee deegaanka, gobolka iyo fadaraalku.
Shuruudaha iyo Xaaladaha Ardayga
Ardaydu iyagaa ka masuul ah tallaabooyinkooda iyo habdhaqankooda dugsiga. Degmada 742
looma qabsan karo tallaabooyinka ardayga marka uu ka isticmaalayo Internetka
kombiyuutarrada dugsiga. Ardaydu iyagaa qaadanay masuuliyadda buuxda, sharci, dhaqaale,
ama haddii kale tallaabooyinkooda. Isticmaalka Internetku waa mudnaan, xaq ma aha.
Isticmaalka Internetka waxa dhici karta in la joojiyo haddii lagu gabboofalo. Macluumaadka laga
helo Internetka waa in la baadho isku-hallayn, awood u yeelasho iyo ku tacaluq.
Tilmaamaha Guud ee Ardayda
Ardayda waxa laga filayaa inay u isticmaalaan Internetka ill waxbarasho ahaan. Ciyaaraha iyo
hawlaha kale, ilaa macalin diro mooyiye, waa la mamnuucay. Ardaydu iyagaa ka masuul ah
dhex mushaaxa Internetka. Ku gabboodfalka Internetku waxay horseedi kartaa ka qaadista
mudnaanta isticmaalka iyo/ama hoos u dhigga darajada mashruuca aad waddo.
Ardayga Waxyaabaha Laga Filayo
● Waa in aad qiyaastaa in dhammaan macluumaadka Internetka ku jira oo dhan yahay
hanti gaar ah.
24
●
●
●
●
●
●
Waxa kaliya aad isticmaali kartaa walxaha sharciga ah oo waa in aad u hogaansantaa
sharciyada xuquuqda daabacaddaada oo dhan.
Shabakada ama ilaha Internetka wax kharibaad kuma samyn kartid.
Waxaa dhici karta in aad hesho waxyaabo aanan haboonayn; adiga mas'uuliyadda iska
leh in aad boggaas aad isaga tagto oo aad macalinka u soo sheegto.
Iskuma dayi kartid in wax aad ka iibsato adiga oo isticmaalaya shabakada iskuulka.
Lambarka sirta lama ardayda kale lama wadaagi kartid.
Iskuma dayi kartid in aad ku gasho qof kale koontadiisa.
Xeerarka Ammaanka Ardayda ee Internetka
● Ma bixin kartid macluumaadka shaqsi sida telfoon lambarka, cinwaanka, iyo
macluumaadka qoyska.
● Ma bixin kartid magaca iyo cinwaanka iskuulka.
● Macalinkaaga ayaad isla markiiba ku soo wargelin doontaa haddii aad aragto
macluumaad aanan haboonayn.
● Malinkaaga ayaad isla markiiba ku wargelin doontaa haddii aad aragto qof isku dayaya
inuu adiga kula kulmo.
● Xeerarka Degmo dugsiyeedka u yaala ee isku xirka bulshada ayaad raaci doontaa.
Haddii aad qabto wax su'aallo ah ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ee ku
saabsan isticmaalka teknoolijiga ardayda, fadlan xafiiska iskuulka la soo xiriir.
WICIDA TELFOONADA
Si loo kordhiyo saacadda waxbarashada, wicida telfoonada deg-deg ah kaliya ayaa fasalka
dhexdiisa la ogol yahay. Macalimiinta ayaa lagu wargelin doonaa wicidaha kale oo sida ugu
dhaqsaha badan ku celin doona. Ardayda xaalad deg deg ah markay timaado telfoonka way
isticmaali karaan. Fadlan naga caawi in dadaal kasta aad u gasho si aad isugu daydo in horey
u soo qabanqaabiso ka hor inta iskuulka aan bilaabmin ee maalinta. Waqtiga waxbarashada
ayaa ah goorta ugu faa'idada badan ee ardayga goorta ardayda aysan horey qabanqaabyo u
soo samaysan, casuumaad xafladdaha, ama codsadasha isticmaalka telfoonka ee lagu
caddaynaayo qorshooyinka iskuulka.
BUUGAAGTA LA AKHRISTO (DHUMAY/BURBURAY)
Shuruucda Minnesota 120.101 waxay sheegayaan in dugsiyadu ay lacagta soo dallacaan
buugaagta la akhristo, buugaagta shaqada ama buugaagta laybareeriga/maktabadda ee
dhumay ama burburay. Ardayda waxa laga qaadi kharash beddelis ah oo ku habboon
buugaagta la akhristo, buugaagta shaqada ama buugaagta laybareeriga ee ay dhumiyeen ama
burburiyeen ardaydu.
XATOOYADA
Xatooyadu waa mashaakil bulshadeena waana in ardaydu aanay keenin waxyaalaha qiimaha
leh dugsiga. Dugsigu ma qaado caymiska shayadan. Ardaygu iyagaa ka masuul ah sugidda
ammaanka waxyaalahooga qiimaha leh. Xatooyada waa in loo tabiyo xafiiska sida ugu
dhakhsaha badan. Baadhista xatooyada waxa lagu samayn go’aanka maamulka.
TITLE IX (CINWAANKA IX)
Ardayga rumaysan in la takooray, loo diiday dheef, ama laga saaray kaqayb qaadashada
barnaamij ama hawl degmeed iyada oo lagu salaynayo jinsiga, iyada oo la jabinayo Cinwaanka
IX, wuxuu ka fayl garaysan karaa cabasho qoran maamulaha.
WAXYAALAHA TUBAAKADA/CABIDA/LA RUUGO
Dhulka degmo dugsiyeedka 742 waa meel cabida iyo tubaakada aan lagu isticmaalayn.
25
MASHRUUCYADA(PROJECT) ISKUULKA EE FIIDIYOWGA /MAQALKA
Laylisyada iyo howlaha iskuulka ee fiidiyowga/maqalka ayaa ardayda loo diri karaa. Sii loo
wado heer waxbarasho oo la qaadan karo, dhammaan luqadda iyo sawirrada la isticmaalayo
waa in ay ahaadaan mid waafaqsan xeerarka degmo dugsiyeedka ee ku aadan ammaanka iyo
xeerarka kadeedka ee iskuulka u yaala.
OGAYSIINTA ARDAYGA RABSHAD WADA
Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin inay dareemaan badbaado dugsiga ay ka shaqeeyaan.
Macluumaadka la xidhiidha ardayda soo bandhigtay habdhaqan rabshad wata oo ay ogyihiin
hay’adaha dugsigu iyo/ama kuwaasi oo la hakiyey waa in lala wadaago dadka waawayn ee la
shaqeeya. Macluumaadkan waa in la wadaago xaaladaha soo socda:
● ardaygu wuxuu u leeyahay halis dhab ah dugsiga.
● ardaygu wuxuu ahaa mid weerar leh.
● ardaygu wuxuu u leeyahay halis dhab ah badbaadada shaqaalaha dugsiga ama
ardayda.
BOOQDAYAASHA
Degmo dugsiyeedka 742 waxay aaminsan yihiin in ay aad muhiim u tahay in waalidiinta iyo
xubnaha qoyska ay kaalin ka qaataan si ardaydeen ay u guulaystaan. In waalidiinta iskuulka ay
soo booqdaan waan ku dhiirigelinnaynaa. Si qabad fiican leh aan booqashooyinka u
jadwalayno, fadlan xeerarka eeg oo raac.
● Si booqashooyinka fasalka lagu tago looga dhigi la'haa mid waxtar leh oo faa'iido
qofkasta u leh, fadlan booqashadaada iskuulka aad ku imaanaysid maamulaha iskuulka
isla meeldhiga. Aad baa lagaaga mahadcelinnayaa haddii maalin kahor aad nagu soo
wargeliso. Tan, dabcan, ma qusayso dhacdooyinka iskuulka ee la jadwaleeyay ama
booqashooyinka lama filaanka ah.
● Inagu waxaan u baahannahay in waqti walba aan ogaano dadka dhismaha ku jira.
Kahor inta aadan soo booqan fasalka ardaygaaga, waa in xafiiska iskuulka laga soo
siiyaa aqoonsiga la siiyo kuwa soo Booqda.
● Fadlan isku day in aad timaado fasalka intuusan bilaabmin ka hor oo isaga jir inta
fasalka uu ka dhammaanayo. Qabanqaabyo kale oo ka duwan ayaad isla meel dhigi
kartaan macalinka u badkaaga haddii aysan tani suurtogalin.
● Fadlan texgeli fasalka waxa ka socda oo ka joog in wadahadal aad ubadkaaga ama
ardayda kale aad ula gasho inta macalinka uu ardayda cashar siinayo.
● Inta fasalka ubadkaaga uu ku jira haddii aad jeceshahay in sawir aad ka qaado ama aad
duubato (cod/fiidiyow) ahaan, fadlan maamulaha iskuulka isla meeldhiga
booqashadaada kahor.
● Inaga oo dhan cusaale lagu dayan karo ayaan carruurteena u nahay; waxaan ku
waydiisannahaynaa in ardayda iyo shaqaalaha oo dhan aad texgeliso.
● Waxaan aaminsannahay wadahadal furan ee u dhaxeeya waalidiinta, shaqaalaha,
macalimiinta iyo maamulaha.
Fadlan horey balan u samayso oo qabso waqtiga iskuulka kahor ama waqtiga iskuulka ka dib
wixii wadahadal ah oo ku saabsan arrimaha waxbarashada ee adiga kuu muuhiimsan. Asluub
texgelin ay ku jirto ayaa markastaaba iyo xaaladdaha oo dhan la filanayaa. Maamulka
dhismaha ayaa iska leh xuquuqda ah inuu soo saaro xeerar dhismaha u degsan iyo shuruudo,
sida markaa loogu baahdo.
ISKAA-WAX-U-QABSO (MUTADAWICIINTA)
Iskaa wax u qabsatada waxay qayb muhiim ah ka yihiin barnaamijyada iskuulkeena ka socda.
Iskaa wax u qabsatada waxay naga caawiyaan howlaha fasalka dhexdiisa, goobta ciyaarta in
26
ay waardeeyaan, laabka in ay waardeeyaan, shaqada xafiiska, dhacdooyinka gaarka ah, iyo
intaa in ka BADAN! Dadka iskaa wax u qabsatada ah xafiiska iskuulka ayay iska
diiwaangelinayaan oo waxaa la siinayaa aqoonsi ka hor inta aysan galin howsha ay u
yimaadeen. Waxaan kugu casuumayaa in aad ku fekirto in aad howl iskaa wax u qabsi ah aad
u qabato iskuulada Degmo dugsiyeedka 742. Fadlan la soo xiriir iskuulka ubadkaaga si aad u
hesho macluumaad dheeraad ah. Dadka iskaa wax u qabsatada u yimaada waxaa la waydiisan
doonaa in ay buuxiyaan foormka iskaa wax u qabsatada ee barnaanijka ka faalooyaana. Sidoo
kale dadka iskaa wax u qabsatada ah waxaa looga baahan yahay in ay dhamaystiraan in
taariikh nololeedka waxlaga soo ogaado iyagoo iska bixinnaya $20 oo ujrada ah. Haddii lacagta
ujrada ay kaa reebayso in aad iskaa wax u qabsi ahaan iskuulka aad ugu shaqayso, fadlan
maamulaha iskuulka la soo xiriir in lagaa dhaafo.
SHARCIGA HUBKA
Iskuulkeena waxaa mas'uuliyad ka saaran in ardayda oo dhan ay siiso goob ammaan ah. Wixii
hub ah oo dhan waa ka mamnuuc goobaha iskuulka. Haddii arday iskuulka dhexdiisa ama
goobaha iskuulka uu ku arko wax nooc kasta oo hub ah, waa in markiiba lagu soo wargeliyaa
xubin ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Sharciga hubka ee iskuulka u degsan waxaad ka heli
kartaa maamulaha dhismaha ama bogga internetka ee Degmo dugsiyeedkka 742.
FAYO-QABKA(WACNAAN)
Degmo dugsiyeedka 742 waxay isku dayaysaa in ay hubiso bay'adda iskuulka ee kor u qaada
oo ilaalisa caafimaadka ardayda, fayo-qabka iyo kartida barashada iyadoo la taageerayo
cunnida cunto caafimaad ah iyo dhaqdhaqaaq jir. Waalidiinta waxaa la waydiisannayaa in
degmo dugsiyeedka ay kala shaqayso in kaalin laga gaysto fayo-qabka iyaga oo ubadkooda
soo siiya qado caafimaadeysan iyo cunto-fudud oo ay ka soo daayaan waxyaabaha ay ka
midka yihiin cabitaannada iyo cuntada aan la'hayn wax qiimo nafaqo ah.
Waa wax aan aaminsannahay in loo baahan yahay in carruurta si haboon loogu soo labiso si
markaa xaaladda jawiga ay tahay, balse aan banaanka wax xannuun ah aan ka soo gaarayn.
Waxaa jira xaaladdo caafimaad qaar oo ay soo kicin karto hawada qabowga, soo tuurta haho
qoyan, ama xiliyada xasaasiyada ay kacsan tahay. Sababtan ayaa keentay in aan idin
waydiinno in takhtarka taladiisa la raaco haddii ardayda uu u baahan yahay in guddi uu isaga
jira. Haddii ubadka uu ubaahan yahay inuu gudi isaga jira xannuun uu hayo darteed oo 2
maalmood oo isku xiga ama in ka badan, waxaa loo baahnaan doonaa warqadda takhtarka.
KA BIXISTA ISKUULKA
Haddii aad qorshaynaysid oo qoyskaaga uu meel kale u guurayo, ubadkaaga iskuulkiisa waa in
lagu soo wargeliyaa 24 saacadood kahor. Tan waxay saamaxaysaa waqti lagu saxiixayo wixii
daruuri ahaa oo sahlin la'haa wareejinta diiwaangelinta ardayda. Ardaydu waa in ay soo
celiyaan dhammaan wixii qalab ahaa iyo buugaaga ee iskuulku amaahiyay, oo ay ku jiraan wixii
teknooliji ah, oo waa in sanduuqoodana ay nadiifiyaan.
27
Buug-gacmeedka
Ardayda Xanaanadda
iyo Dugsiga Hoose
2015 - 2016
www.isd742.org
St. Cloud Area
School District
Isku diyaari. Dhaxgal. Wax bar. Xooji. Dhiirigeli.

Similar documents

+l,ll o`,,1+. og, og, og - Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka

+l,ll o`,,1+. og, og, og - Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka b. In uu qabto hawlahaiyo waajibaadka ama ku timaado xaaladuu la xilgudan marka uu maqan yahay Guddoomiyaha waayoi iyo sidaku qeexsharcigan; anshaxamarinta c. Hawlkastaoo la xiriirahabraaca kaleuu ...

More information