S hiikhaal

Comments

Transcription

S hiikhaal
1
Shiikhaal
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
2
Shiikhaal
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
3
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
1.Tusmada kitaabka
2.Araarta dhigaha kitaabka
3. Qubuuraha awoowayaal
4. Caruurta Axmad Agoon
5. Caruurta Cilmi Axmad Agoon
6. Caruurta Cismaan Cilmi
7. Shiikhaal
8. Abuu Bakr Al Ssiddiiq waa aabeheen
9. Maxammad Xaaji Xasan “Sheeko Xariir”
10. Burton
11. I.M.Lewis
12. Qabaa’ilka diinta fidiya
13. Dr.Paulitschke
14. Shiikhaal Isaaq, Daarood iyo Hawiye midna ma aha
15. Wargayska “Al Muslimuuna”
16. Ralph E. Drake-Brockman
17. Xaaji Naasir Cali Maslax
18. Gordon Waterfield
19. Xasan Cali Jaamac
20. Joint British, Danish iyo Dutch delegation
21. Aves Osman Hagi, Abdiwahid Osman iyo Dr. Omar Ali
22. Cali Jimcaale Axmad
23. Multaqaa Al Ashraaf\‫ملتقي األشراف‬
24. www.ansab-online.com
25. Wikipedia
26. Cerulli
27. An Nassabuna Al Carab www.alnssabon.com
28. Shiikhaal
29. Caruurta Fiqi Cumar Al Bakrii
30. Qabriga Fiqi Cumar Al Bakrii
31. Qabriga Awoowe Aw Barkhadle iyo gabadhiisa ayeeyadeen
32. Caruurta Axmad Looboge Fiqi Cumar
33. Caruurta Caagane Looboge Fiqi Cumar
34. Qabriga Axmad Looboge Fiqi Cumar
35. Caruurta Maxammad Caagane Looboge Fiqi Cumar
36. Qabriga Maxammad Caagane Looboge Fiqi Cumar
37. Caruurta Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagen Looboge
38. Caruurta Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane
bogga
3
7
82
37
37
32
82
82
84
15
18
13
15
17
56
58
58
58
58
51
51
51
55
57
57
52, 69
69
71
71
71
72
73
74
75
75
75
75
76
4
39. Caruurta Maxammad Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane76
40. Abtirsiga Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
76
41. Abtirsiga Abuu Bakr Al Ssiddiiq Allaha raalli ka ahaadee
77
42. Murrah bin Kacb
77
43. Murrah bin Kacb ilmihiisa
77
44. Murrah bin Kacb walaalihiis
78
45. Kacb bin Lu’ayy
78
46. Magacda maalmaha toddobaadka zaman jaahiliyada
79
47. Magacda bilaha carabta zamanka jaahiliyada
80
48. Magacda bilaha carabta
80
49. Magacda bilahay tirsadaan krishtaanku
81
50. Magacda maalmaha tooddobaadka ee carabta
81
51. Magacda maalmaha toddobaadka ee krishtaanka
81
52. Kacb bin Lu’ayy ilmihiisa
82
53. Kacb bin Lu’ayy walaalihiis
82
54. Amarka Cawf bin Lu’ayy
84
55. Lu’ayy bin Ghaalib
84
56. Lu’ayy bin Ghaalib ilmihiisa
85
57. Lu’ayy bin Ghaalib walaalihiis
85
58. Lu’ayy bin Ghaalib iyo Badr
85
59. Lu’aay iyo Xassaan, boqorka Yaman, oo Kacbada kusoo duulay
86
60. Ghaalib bin Fihr
87
61. Ghaalib bin Fihr ilmihiisa
88
62. Ghaalib bin Fihr walaalihiisa
88
63. Fihr bin Maalik
89
64. Fihr bin Maalik ilmihiisa
89
65. Maalik bin Al Nadr
90
66. Maalik bin Al Nadr iyo Saabuur boqorka Iiraan
90
67. Maalik bin Al Nadr ilmihiisa
93
68. Maalik bin Al Nadr walaalihiis
93
69. Al Nadru bin Kinaanah
93
70. Al Nadru bin Kinaanah ilmihiisa
93
71. Al Nadru bin Kinaanah walaalihiis
94
72. Kinaanah bin Khuzaymah
94
73. Kinaanah bin Khuzaymah ilmihiisa
96
74. Kinaanah bin Khuzaymah walaalihiis
97
75. Khuzaymah bin Mudrikah
97
76. Khuzaymah bin Mudrikah ilmihiisa
98
77. Khuzaymah bin Mudrikah walaalihiis
98
78. Mudrikah bin Ilyaas
98
5
79. Mudrikah bin Ilyaas ilmihiisa
80. Mudrikah bin Ilyaas walaalihiis
81. Ilyaas bin Mudar
82. Ilyaas bin Mudar ilmihiisa
83. Ilyaas bin Mudar walaalihiis
84. Mudar bin Nizaar
85. Mudar bin Nizaar ilmihiisa
86. Mudar bin Nizaar walaalihiis
87. Nizaar bin Macadd
88. Dardaaranka Nizaar ee wiilashiisa
89. Ilmo Nizaar iyo Al Jurhamii
90. Nizaar bin Macadd ilmihiisa
91. Nizaar bin Macadd walaalihiis
92. Macadd bin Cadnaan
93. Macadd bin Cadnaan ilmihiisa
94. Macadd bin Cadnaan walaalihiis
95. Cadnaan
96. Cadnaan iyo Bukhtanassar
97. Cadnaan ilmihiisa
98. Cadnaan walaalihiisa
99. Udd
100. Muqawwim
101. Naaxuur
102. Tayrax
103. Yacrub
104. Yashjub
105. Naabit
106. Nabi Ismaaciil Calayhissalaamu
107. Dhasha Nabi Ismaaciil Calayhissalaamu
108. Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu
109. Dhasha Nabi Ibraahiim
110. Ibraahiim walaalihiisa
111. Aazar/Taarax
112. Aazar/Taarax ilmihiisa
113. Naaxuur
114. Saaruugh
115. Raacuu
116. Faalikh
117. Caybar
118. Shaalakh
99
100
100
101
102
102
103
103
105
106
108
110
110
111
111
112
112
112
114
115
115
115
115
115
115
115
116
116
117
186
188
183
581
581
585
585
585
585
585
585
6
119. Arfakh-shath
585
120. Saam bin Nuux
587
121. Nabi Nuux Calayhissalaamu
584
122. Nabi Nuux Calayhissalaamu ilmihiisa
536
123. Lamku
538
124. Mattuushalakh
538
125. Akhnuukh
538
126. Yard
538
127. Mahlayil
531
128. Qaynan
531
129. Yaanish
531
130. Shayth bin Aadam
535
131. Nabi Aadan Calayhissalaamu
537
132. Ilmaha Aadan iyo Xaawo
532
133. Ilmaha Taym bin Murrah
534
134. Ilmaha Sacd bin Taym
534
135. Ilmaha Kacb bin Sacd
534
136. Ilmaha Camr bin Kacb
586
137. Ilmaha Caamir bin Camr
585
138. Abuu Quxaafah Cuthmaan bin Caamir
588
139. Ilmaha Abuu Quxaafah
585
140. Wiilka Abuu Quxaafah Abuu Bakr Al Ssiddiiq
587
141. Caruurta Abuu Bakr Al Ssiddiiq
584
142. Qabriga Abuu Bakr Al Ssiddiiq
513
143. Dhisidda shabaqa cagaaran
513
144. Furidda Xujrada Shariifka ah zamankaan
511
145. Qiimaha alaabta guriga Caa’ishah Allaha raalli ka ahaadee
515
146. Dhismaha Ummu Salamah Allaha raalli ka ahaadee
517
147. Guriga Caa’ishah Allaha raalli ka ahaadee
512
148. Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq
557
149. Dhimashada, qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq 578
150. Qabriga Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiq Allaha raalli ka noqdee 526
151. Qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq
525
152. Qabriga Abuu Quxaafah
525
153. Buurta Jabalu Xubshiyyu
525
154. Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq
546
155. Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq
545
156. Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr 545
157. Dhasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaan
541
158. Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rrax. 545
7
158. Riyadayda Abuu Bakr Al Ssiddiiq Allaha raalli ka noqdee
160. Riyada koowaad: doorashada Abuu Bakr ee Khaliifah
161. Riyada labaad: imaamnimada Abuu Bakr Al Ssiddiiq
162. Dambaabiddayda
163. Riyada saddexaad
164. Tawbad keenkeyga
165. Riyada afaraad
166. Wargayska‫ المسلمون‬Al Muslimuuna
167. Taariikh nololeedka dhigaha kitaabkaan
547
547
542
544
544
866
866
202
263
8
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Aaraarta dhigaha kitaabka
‫ والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Al Bukhaarii \‫البخاري‬wuxuu Amriiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير‬
\‫المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬ka wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وإنما لكل امرإ ما نوى‬،‫"إنما األعمال بالنيات‬
"Innamaa al acmaalu bi al nniyaati, wa innamaa lu kulli imri'in maa nawaa",
oo macnihiisu yahay:
"Acmaasha waxaa la isaga ajar siiyaa waxa loo niyeeystay, qof walbana wuxuu leeyahay ajarka
wuxuu niyeystay." (Al Bukhaarii\‫البخاري‬: Xadiithka koowaad).
Shiikhaal waa qabiil qabaa’ilka soomaalida ka mid ah, soomaalida dhexdeedana magac fiican
iyo makaan sarreeya ku leh, mahaddana Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ayaa iska leh. Shiikhaal
waxaa ammaan iyo faan ugu filan intuu Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬ka
sheegay, kuna sheegay Kitaabkiisa Kariimka ah iyo afka Nabigiisa Muxammad Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Warkaas intuu Ilaahay ii yasiray ayaan halkaan wax uga warinayaa. Kitaabkaan intiisa kalena
waxaan uga hadlayaa abtirsiga Looboge iyo ragga dhalay taariikhdooda, hooyooyinkooda,
caruurtooda iyo bartay ku dhinteen oo qubuurohoodu ku yaaallin in shaa’a Allaahu ‫إن شاء هللا‬
\‫تعالى‬.
Soomaalidoo idil waa carab, Shiikhaalna waxay ka dhalatay qabiilka carbeed oo Quraysh\‫ قريش‬la
yiraahdo, degi jirayna Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Shiikhaal waxaa ammaan iyo karaamo ugu filan inay yihiin Nabi Muxammad Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ilmo adeerradiis, oo waxaa dhalay adeerkiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Taym bin Murrah \‫تيم بن مرة‬, oo la dhashay awoowihiisa
shanaad ee Kilaab bin Murrah\‫كالب بن مرة‬, sidaan kitaabkaan ugu arki doonno hadduu Alle noo
idmo. Kitaabku wuxuu ka kooban yahay boqol lix iyo lixdan qaybood.
. Maraajicda dib loogu noqon karana oo aan kasoo qaatay waa kutubbada Tafsiirka Quraanka,
gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir
Caashuur\‫ طاهر عاشوس‬iyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al
9
Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu
Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), kitaabka Sharxu
al callaamah Al Zarqaanii (oo dhintay sanadka kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijraga)
Calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah ‫شرح العالمة الزرقاني على‬
\‫ المواهب اللدنية بمنح المحمدية‬uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\‫( العالمة القسطالني‬oo dhintay
sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada). Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al
Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii\‫الطبري‬
(oo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir \‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba
boqol afar iyo toddobaatn sanadka Hijriga), Al Bayhaqii\‫( البيهقي‬oo dhintay afar boqol iyo sideed
iyo konton Hijriga), Al Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijriga), Al
Mascuudii\‫( المسعودي‬oo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al
Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫القاضي اإلمام حسين بن الحسن الدياربكري‬
(oo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hiiriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al
Xalabii\‫( اإلمام علي برهان الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hiiriga), Al Qadii
Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdul
Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬, oo waa dhow dhintay, iyo Muxammad
Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati ‫كتاب الشجرة‬
\‫ النبوين في نسب خير البرية‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu
Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdil Haadii Al Maqdisiyyi ‫اإلمام جمال الدين يوسف بن خسن بن‬
\‫عبد الهادي المقدسي‬, oo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah, dintayna (sagaal boqol
iyo sagaal Hijriga), Lisaanu Al Carabi\‫ لسان العرب‬ee Al Imaamu Al Manthuur\‫اإلمام المنظور‬
(noolaana inta u dhexaysa lix boqol soddon iyo toddoba boqol kow iyo toban Hijriga),
Mukhtaaru Al Sixaaxi\‫ مختار الصحاح‬ee Al Raazii\‫الرازي‬, iyo Taariikhu Makkata Al Mukarramati
Qadiiman wa Xadiithan\‫ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬ee Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii ‫د\محمد‬
\‫ إلياس عبد الغني‬iyo kuwo kaleba.
Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ سبحانه وتعالي‬uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan,
Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed
laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay
dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana
uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax
tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Aamiin.
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Ummu Haani'‫ أم هانئ‬magaceedu waa Hind\‫( هند‬waxaa kaloo la yiri magaceedu wuxuu ahaa
Faakhitah\‫ )فاختة‬bintu Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim ‫بنت أبي طالب بن عبد‬
\‫المطلب بن هاشم‬, walaasha la dhalatay oo ay isku hooyo iyo aabbe yihiin Calii bin Abii Dhaalib
\‫ علي بن أبي طالب‬Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, hooyadoodna waa Faadhimah bintu Asad
\‫فاطمة بنت أسد‬. Waxay islaamtay Sanadka Makkah\‫ مكة‬la furtay. Waxaa kaloo la wariyay inay
bilowga islaamkaba ay hore u islaantay. Waxay u dhaxday nin Qurayshta\‫ قريش‬reer Banuu
Makhzuum\‫ بنومخزوم‬u dhashay oo la yiraahdo Hubayrah bin Abii Wahb bin Camr ‫هبيرة بن أبي وهب‬
\‫بن عمر‬. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah soo galay oo uu
10
furtay ayuu Hubayrah\‫ هبيرة‬xagga Yaman\‫ يمن‬u cararay oo gaalnimadiisuu ku dhintay. Waxay u
dhashay wiilasha kala ah Camr\‫ عمرو‬iyo Haani'\‫ هانئ‬iyo Yuusuf\‫ يوسف‬iyo Jacdah\‫جعدة‬.
Markaas kaddib ayuu Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬, oo walaashiis khayrka ugu khayr
badan la jeclaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, siduu isaga laftiisu
u wariyay oo uu ku yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maad guursatid Ummu Haani' ina
AbuuDhaalib\‫ أم هانئ بنت أبي طالب‬, oo Ilaahay wuxuu ka dhigay qaraabadaada, si ay markaas
qaraabannimada guurkana u hesho?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ummu Haani' ‫ أم هانئ‬doonay,
oo Calii‫ علي‬laftiisa u diray inuu walaashiis u doono.
Markaasuu markuu Calii‫ علي‬walaashiis u yimid una sheegay inuu u doonayo Nabiga Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayay waxay ku tiri
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬isaga waan ka jeclahay maqalkeyga iyo araggeyga, waa indhaheyga iyo
dhegahayga, laakiin xaqqiisu wuu weyn yahay, aniguna waxaan hayaa caruur agoon ah. Marka
haddaan xaqqiisa u qumo waxaan ka baqayaa inaan agoonteyda lumiyo. Haddaan ayaga
amarkooda u qumana waxaan ka gaabinayaa isaga xaqqiisa!"
Markuu Calii‫ علي‬warkeedaas u keenay ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
yiri:
‫ ولو علمت‬.‫ وأرعاها على بعل في ذات يده‬،‫ أحناها على ولد في صغره‬،‫"خير نساء ركبن اإلبل نساء قريش‬
".‫أن مريم إبنة عمران ركبت جمال الستثنيتها‬
"Khayra nisaa'in rakibna al ibila nisaa'u Qurayshin, axnaahaa calaa waladin fii sigharihi,
wa arcaahaa calaa bacalin fii thaata yadihi. Wa law calimtu anna Maryama ibnatu
Cimraana rakibat jamalan la istaathnaytuhaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haweenka geela fuulay waxaa ugu khayr badan haweenka Quraysheed \‫قريش‬, kuwaasoo ugu
jacayl uguna xannaano badan caruurtooda intay yaryaryihiin, uguna ilaalin iyo dhawris og
maalka raggooda ay u dhaxaan naftoodana nimankooda ugu ilaalin badan oo nin kale dhugan
mayaan. Haddaan ogahay inay Maryama bintu Cimraana\‫ مريم بنت عمران‬rati fuushayna waan ka
reebi lahaa inta laga khayr badan yahay (waana Nabi Ciise Calayhissalaamu hooyadiis haddayan
rati fuulinna waxaa ka khayr badan gabdhaha Quraysh\‫ قريش‬weeye macnuhu)."
Qisadaan waxaan kasoo qaatay kitaabka Dhabaa'icu Al Nisaa'i \‫ طبائع النساء‬uuna dhigay Al Faqiih
Axmad bin Muxammad bin Cabdi Rabbah Al Andalusii\‫ الفقيه أحمد بن محمد بن عبد ربه األندلسي‬laguna
daabacay Maktabatu Al Quraan\‫ مكتبة القرآن‬ee Al Qaahirah\‫ القاهرة‬ee Masar\‫مصر‬. Kutubbo kalena
way wariyeen.
11
Al Shaafici\‫ اإلمام الشافعي‬iyo Tafsiiru Al Baghawii\‫ تفسير البغوي‬waxay yiraahdeen: Ilaahay
Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu Aayadda afar iyo afartan ee Suurato Al Zukhruf\‫ سورة الزخرف‬ku yiri:
‫ { َولِقَوْ ِمكَ } من‬، ‫ { لَ ِذ ْك ٌر لَكَ } لشرف لك‬، ‫) َوإِنَّهُ } يعني القرآن‬88( َ‫سوْ فَ تُسْأَلُون‬
َ ‫َوإِنَّهُ لَ ِذ ْك ٌر لَكَ َولِقَوْ ِمكَ َو‬
َ
، ‫سوْ فَ تُسْألُونَ } عن حقه وأداء شكره‬
َ ‫ { َو‬، ‫ أي شرفكم‬، ) 01 - ‫ "لقد أنزلنا إليكم كتابًا فيه ذكركم"( األنبياء‬: ‫نظيره‬
‫عن ابن عباس أن النبي صلى هللا عليه وسلم كان إذا سئل لمن هذا األمر بعدك ؟ لم يخبر بشيء حتى نزلت‬
، ‫قريش‬
: ‫ فكان بعد ذلك إذا سئل لمن هذا ؟ قال‬، ‫هذه اآلية‬
."‫“ لقريش‬
: ‫ قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬: ‫عن ابن عمر قال‬
."‫"ال يزال هذا األمر في قريش ما بقي اثنان‬
: ‫ سمعت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يقول‬: ‫ كان محمد بن جبير بن مطعم يحدث عن معاوية قال‬: ‫عن الزهري قال‬
."‫"إن هذا األمر في قريش ال يعاديهم أحد إال كبه هللا على وجهه ما أقاموا الدين‬
“Wa Innahu la thikrun laka wa li qawmika wa sawfa tus’aluuna(44)”
oo macneheedu yahay:
“Quraankuna wuxuu sharaf u yahay adiga iyo tolkaa, ahna Quraysh \‫قريش‬, waana la idiin waydiin
doonaa inaad xaqqiisa u qunteen (oo aad barateen kuna dhaqanteen dadkana barteen)
shukrintiisana aad gudateen(44).”
Waxaana la mid ah Aayadda tobnaad ee Suuratu Al Anbiyaa’i\‫سورة األنبياء‬:
‫ { وإنه‬: ‫ كما قال‬، ‫ { فِي ِه ِذ ْك ُر ُك ْم } أي شرفكم‬، ‫) يا معشر قريش‬56( َ‫لَقَ ْد أَ ْنزَ ْلنَا إِلَ ْي ُك ْم ِكتَابًا فِي ِه ِذ ْك ُر ُك ْم أَفَ ََل تَ ْعقِلُون‬
.‫ وهو شرف لمن آمن به‬، )44 : ‫لذكر لك ولقومك } (الزخرف‬
“La qad anzalnaa ilaykum Kitaaban fiihi thikrikum afalaa tacqiluuna(10)”
oo macneheedu yahay:
“Waxaan adinka idiin soo dejinnay Kitaabka uu dhexdiisa ku sugan yahay sharaftiinnu ee
miyaydaan caqli lahayn oo wax garannayn(10).”
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
“Marka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la waydiiyo cidda isaga
dabadiis amarkaan iska leh, oo ah imaamnimada iyo madaxtinnimada ummadda islaamka waxba
ma sheegi jirin ilaa ay Aayaddaani kasoo degato, oo ah Aayadda 44 ee Al Zukhruf \‫سورة الزخرف‬
oo kor ku xusan, markay soo degatay kaddibna marka la waydiiyo:
“yaa amarkaan iska leh adiga dabadaa?"
Wuxuu yiraahdaa:
“Quraysh\‫ قريش‬ayaa iska leh.”
12
Ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬wuxuu yiri:
”Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
“amarkaan waxaa iska leh uuna ku sugnaanayaa Quraysh\‫ قريش‬intay laba ka haraan.”
Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬wuxuu yiri:
“Muxammad bin Jubayr bin Mudhcim\‫ محمد بن جبير بن مطعم‬wuxuu warin jiray inuu Mucaawiyah
\‫ معاوية‬yiri:
“waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo leh:
“amarkaan waxaa iska leh Quraysh\‫ قريش‬ciddii ku qabsata oo ku colaadisana Ilaahay xagga
wajigiisu u tuura oo ciidda u geliyaa, intay ayaguna diinta ku dhaqmayaan".
Dhacdadaann soo socotana waxay dhacday intuu socday duullaanka Uxud\‫غزوة أحد‬:
ّ ‫سو ِل‬
‫ِس‬
ْ ‫اجل‬
ْ ْ‫هللاِ ÷ فِى َق ْت ِل َح ْم َز َة َو َما ُم ّثل َ ِب ِه ُكل ّ َذلِ َك ُيشِ ي ُر إلَ ْي ِه ال ّنبِ ّى ÷ أَن‬
ُ ‫ لِ َما َرأَى مِنْ َغ ّم َر‬،‫ش‬
ٍ ‫َو َج َعل َ أَ ُبو َق َتا َد َة ُي ِري ُد أَنْ َي َنال َ مِنْ قُ َر ْي‬
ّ ُ ‫سول‬
:‫هللاِ صلى هللا عليه وسلم‬
ُ ‫ َف َقال َ َر‬- ‫ َو َكانَ َقائِ ًما‬- ‫َثال ًثا‬
ّ ‫شا أَهْ ل ُ أَ َما َن ٍة َمنْ َب َغا ُه ْم ا ْل َع َواث َِر َك ّب ُه‬
ّ ‫“أَ ْح َتسِ ُبك عِ ْن َد‬
ً ‫ إنّ قُ َر ْي‬،‫ “ َيا أَ َبا َق َتادَ َة‬:÷ ‫هللا‬
ِ ّ ُ ‫سول‬
ُ ‫ ُث ّم َقال َ َر‬،”ِ‫هللا‬
ُ ‫هللا‬
‫ش‬
ٌ ‫ لَ ْوال أَنْ َت ْب َط َر قُ َر ْي‬،‫ َو َف َعالَك َم َع َف َعالِ ِه ْم‬،‫سى إنْ َطالَ ْت ِبك ُمدّ ةٌ أَنْ َت ْحق َِر َع َملَك َم َع أَ ْع َمالِ ِه ْم‬
َ ‫لِفِي ِه َو َع‬
ّ
.”‫هللا‬
ِ َ‫ألَ ْخ َب ْرت َها بِ َما لَ َها ِع ْند‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Duullanka Uxud‫ غزوة أحد‬markuu Saxaabiga Abuu Qataadah Al Ansaarii\‫ أبوقتادة األنصاري‬arkay kurbaday
Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gelisay dilidda adeerkiis Xamzah \‫ حمزة‬iyo
siday jirkiisa cadad looga gooyey si loo foolxumeeyo ayuu Quraysh\‫ قريش‬wax ka sheegay.
Intaasoo idilna Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Abuu Qataadah‫أبوقتادة‬
u tilmaamayaa inuu fariisto oo uu saddex goor ku yiri: “fariiso” isagoo uu Abuu Qataadah‫ أبوقتادة‬markaas
taaganyahay.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Xamzah‫ حمزة‬ku yiri:
“Ilaahay ayaan ka rajeynayaa inuu i siiyo ajarka dhibaatada iga soo gaartay waxa lagugu falay.”
Kaddibna wuxuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“Abaa Qataadow‫ !أباقتادة‬Qurayshi\‫ قريش‬waa dad amaano leh oo ehel u ah oo la aaminay, qofka
god khayaano u qodana oo doona inuu sida libaaxa loo dabo oo loo ugaarsado u ugaarsadana
Ilaahay intuu waji waji u tuuro ayuu afka ciidda u geliyaa oo dulleeyaa. Waxaadna arki doontaa
hadduu cumrigaado dheeraado inaad camalkaaga (waana salaadda, zakada, soonka, xajka iyo
camalka suuban oo dhan oo aad suubisid) saluugtid oo uu kula yiraado markaad ayaga
camalkooda barbar dhigtid oo ku qiyaastid, falalkaagana aad yastid markaad falalkooda barbar
dhigtid. Haddaanan ka baqayn inay Qurayshi\‫ قريش‬kibirto waxaan u sheegi lahaa waynaanta
waxa wanaag ah oo Ilaahay agtiisa u yaalla.”
‫‪13‬‬
‫‪ oo‬سيرة الواقدي\‪Waxaan kasoo qaadannay Xadiith-kaan kitaabka Siirada ee Al Waaqidii‬‬
‫‪”, mujalladka koowaad bogga laba boqol iyo‬كتاب المغازي\‪magaciisu yahay “Kitaabu Al Maghaazii‬‬
‫‪).‬غزوة أحد\‪kow: duullaanka Uxud‬‬
‫‪ mujalladka sadexaad bogga boqol laba‬النهاية\‪ wuxuu isaguna Al Nihaayah‬إبن األثير\‪Ibnu Al Athiir‬‬
‫‪iyo sideetan ku wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:‬‬
‫"إن قريش أهل أمانة‪ ،‬من بغاها العواثر كبه هللا لمنخريه‪".‬‬
‫‪“Inna Qurayshan ahlu amaanatan, man baghaahaa al cawaathira kabbahu Allaahu‬‬
‫”‪limunkharihi‬‬
‫‪oo macnihiisu yahay:‬‬
‫‪ waa amaano xambaar qofka kusoo xad gudbana oo dulmiya Ilaahay sankuu‬قريش\‪“Qurayshi‬‬
‫”‪ciidda u geliyaa oo waa dulleeyaa.‬‬
‫‪, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi‬علي بن أبي طالب\‪Xadiith-ka Calii bin Abii Dhaalib‬‬
‫‪Wa Sallam‬‬
‫‪ ku‬سورة األحقاف‪ wuxuu Aayadda saddex iyo sideetan ee Suuratu Al Baqarah‬هللا‬
‫تعالى\‪Ilaahay Tacaalaa‬‬
‫;‪yiri‬‬
‫صالُهُ ثَ ََلثُونَ َش ْهرًا َحتَّى إِ َذا بَلَ َغ‬
‫َو َو َّ‬
‫ض َع ْتهُ ُكرْ هًا َو َح ْملُهُ َوفِ َ‬
‫اْل ْن َسانَ بِ َوالِ َد ْي ِه إِحْ َسانًا َح َملَ ْتهُ أُ ُّمهُ ُكرْ هًا َو َو َ‬
‫ص ْينَا ْ ِ‬
‫صالِحًا‬
‫ي َو َعلَى َوالِ َد َّ‬
‫ي َوأَ ْن أَ ْع َم َل َ‬
‫أَ ُش َّدهُ َوبَلَ َغ أَرْ بَ ِعينَ َسنَةً قَ َ‬
‫ال َربِّ أَوْ ِز ْعنِي أَ ْن أَ ْش ُك َر نِ ْع َمتَكَ الَّتِي أَ ْن َع ْمتَ َعلَ َّ‬
‫ضاهُ َوأَصْ لِحْ لِي فِي ُذرِّ يَّتِي إِنِّي تُب ُ‬
‫ص ْينَا اْل ْن َسانَ بِ َوالِ َد ْي ِه‬
‫ْت إِلَ ْيكَ َوإِنِّي ِمنَ ْال ُم ْسلِ ِمينَ (‪01‬قوله عز وجل ‪َ { :‬و َو َّ‬
‫تَرْ َ‬
‫ُ‬
‫ض َع ْتهُ‬
‫ُح ْسنًا } قرأ أهل الكوفة ‪" :‬إحسانا" [كقوله تعالى ‪" :‬وبالوالدين إحسانا"( البقرة ‪َ { ] ) 38 -‬ح َملَ ْتهُ أ ُّمهُ ُكرْ هًا َو َو َ‬
‫صالُهُ } فطامه ‪ { ،‬ثََلثُونَ َ‬
‫ش ْهرًا } يريد أقل مدة الحمل ‪ ،‬وهي ستة أشهر ‪ ،‬وأكثر مدة‬
‫ُكرْ هًا } يريد شدة الطلق‪َ { .‬و َح ْملُهُ َوفِ َ‬
‫الرضاع أربعة وعشرون شه ًرا‪َ { .‬حتَّى إِ َذا بَلَ َغ أَ ُ‬
‫ش َّدهُ } نهاية قوته ‪ ،‬وغاية شبابه واستوائه ‪ ،‬وهو ما بين ثماني عشرة سنة إلى‬
‫سنَةً } ‪.‬‬
‫أربعين سنة ‪ ،‬فذلك قوله ‪َ { :‬وبَلَ َغ أَرْ بَ ِعينَ َ‬
‫قال علي بن أبي طالب ‪ :‬اآلية نزلت في أبي بكر ‪ ،‬أسلم أبواه جمي ًعا ‪ ،‬ولم يجتمع ألحد من المهاجرين أبواه‬
‫ال َربِّ أَوْ ِز ْعنِي }ألهمني ‪ { ،‬أَ ْن أَ ْش ُك َر نِ ْع َمتَكَ الَّتِي أَ ْن َع ْمتَ‬
‫غيره ‪ ،‬أوصاه هللا بهما ‪ ،‬ولزم ذلك من بعده ‪.‬فـ { قَ َ‬
‫ضاهُ } قال ابن عباس ‪ :‬وأجابه هللا عز وجل ‪،‬‬
‫ي َو َعلَى َوالِ َد َّ‬
‫صالِحًا تَرْ َ‬
‫ي } بالهداية واإليمان ‪َ { ،‬وأَ ْن أَ ْع َم َل َ‬
‫َعلَ َّ‬
‫ضا فقال ‪{ :‬‬
‫فأعتق تسعة من المؤمنين يعذبون في هللا ولم يرد شيئًا من الخير إال أعانه هللا عليه ‪ ،‬ودعا أي ً‬
‫َوأَصْ لِحْ لِي فِي ُذرِّ يَّتِي } فأجابه هللا ‪ ،‬فلم يكن له ولد إال آمنوا جمي ًعا ‪ ،‬فاجتمع له إسالم أبويه وأوالده جمي ًعا ‪،‬‬
‫فأدرك أبو قحافة النبي صلى هللا عليه وسلم ‪ ،‬وابنه أبو بكر وابنه عبد الرحمن بن أبي بكر وابن عبد الرحمن أبو عتيق كلهم أدركوا‬
‫النبي صلى هللا عليه وسلم ‪ ،‬ولم يكن ذلك ألحد من الصحابة ‪ .‬قوله ‪ { :‬إِنِّي تُب ُ‬
‫ْت إِلَ ْيكَ َوإِنِّي ِمنَ ْال ُم ْ‬
‫سلِ ِمينَ (‬
14
Wanna Aayadda shan iyo tobnaad 15aad ee Sooratu Al Axqaaf\‫ سورة األحقاف‬oo macneheedu yahay:
“Waxanna dadka kula dardaarannay inay labadooda waalid u sama falaan. Hooyadiis waxay ku
sidday dhib, dhaliddiisana way ku dhibtootay. Intuu caloosha ku jiro iyo inta naaska laga
goynayo waa isku soddon bilood. Markuu xoog yeesho oo uu afartan sano gaarana” Calii\‫علي‬
wuxuu yiri:
“Waxay kasoo degatay Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬oo ay labadiisa waalid islaameen, taasoo aan u ahaan
axad kale oo Muhaajiriinta\‫ المهاجرين‬ka mid ah: markaasuu Ilaahay labadoodaas kala dardaarmay
inta dhashiisa ah oo ka dambeysana sidaas ayay looga doonayaa, wuxuuna yiri:
“Rabbiow igu ilhaami inaan ka mahad celiyo nicmadaad i siisay aniga iyo labadayda waalidba:
hanuunka iyo iimaanka iyo inaan camal suuban suubiyo aad Adigu raalli ka tahay.”
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
“Ilaahay ducada waa ka aqbalay oo wuxuu xoreeyey sagaal mu’miniin ah intuu gatay, khayr
kastoo oo uu kacana Ilaahay wuxuu ku caawinay”.
Wuxuu kaloo ku ducaystay oo yiri:
“ubadkaygana ii suubi” Ilaahayna waa ka aqbalay oo caruurtiisoo idil way wada islaameen,
dhashoodana ilaa maalinta qiyaame waa sidaas isnhaa’Allaahu\‫إن شاء هللا‬.”
Afar fac oo reerkiisa ah ayaa Saxaabi ahaa: Abuu Bakr\‫أبوبكر‬, aabihiis Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬,
wiilkiisa Cabdu Al Rraxmaan\‫ عبد الرحمن‬iyo midkaan wiilkiisa Abuu Catiiq\‫ أبوعتيق‬oo ah ninkay
Shiikhaal ku abtirsato.
Gabdhaha Shiikhaal waa ilma adeerrada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, oo
nasabkoodu wuxuu kula kulmaa nasabkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
awoowihiisa lixaad oo ah Murrah bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬.
Adduunka waxaa ka sarreya oo kali ah gabdhaha Ashraafta ee Ahlu Al Baytka\‫ أهل البيت‬iyo
kuwa Qurayshta Banuu Zuhrah\‫( قريش بني وهرة‬ayna ka mid yihiin Shaanshida) oo ay Aaminah
bintu Wahab\‫ آمنة بنت وهب‬ka dhalatay, hooyada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam,
waxaana u daliil ah waxay Xadiithkaani ka mid yihiin:
Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬wuxuu Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
‫" ما ولدتنى بغى قط منذ خرجت من صلب آدم ولم تزل تنازعنى األمم كابرا عن كابر حتى خرجت من أفضل‬
". ‫حيين من العرب هاشم وزهرة‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Tan iyo intaan dhabarka Aadan\‫ آدم‬kasoo baxay xaaraan la iguma dhalin, tan iyo waagaasna
ummadaha kala dambeeyey ayaa i kala jiidanayay oo ay mid walba doonaysaa inaan ayaga ka
dhasho. Sidaas ayaanna ahaa ilaa aan ka dhasho labada qabiil oo carabta ugu sarraysa oo kala ah
Banuu Haashim\‫ هاشم‬iyo Banuu Zuhrah\‫زهرة‬.”
15
Quraysh\‫ قريش‬ayaa ugu horreysey cid rumaysa oo raacda Ilaahay iyo Rasuullkiisa Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam, diinta faafisa, dadka barta, oo qaaradaha oo idil gaysay, dadkana
gaarsiisay. Quraankuna wuxuuba ku soo degay afkooda Carabiga: “lisaanu Qurayshin ‫لسان‬
\‫”قريش‬.
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫ والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Fadliga/Sarreynta Quraysh iyo Carabta\‫فضل قريش و العرب‬
Al Imaamu al xaafith Fatxu al Diini abuu Al Fatx Muxammad bin Sayyidu Al Nnaasi al Shaafici,
‫ اإلمام الحافظ فتح الدين أبو الفتح محمد بن سيد الناس الشافعي‬loona yaqaanno Ibnu Sayyidu Al Naasi ‫إبن سيد‬
‫الناس‬, noolaana inta u dhexeysey lix boqol iyo kow iyo todobaatan ilaa toddoba boqol iyo afar iyo
soddon ee Hijrada ayaa wuxuu Xadiithkaan ku wariyay kitaabkiisa Cuyuunu al Athari fii funuuni
al maghaazii wa al shamaa'ili wa al siyari/‫عيون األثر في فنون المغازي والشمائل والسير‬, mujalladka
koowaad bogga toddoba iyo labaatan.
Waxaa kaloo wariyay kitaabka Kanzu al Cummaali/‫) كنز العمال‬11/32119, 32120, 32121(.
Al Sayuudhii/‫ السيوطي‬wuxuu kitaabkiisa Al Jaamicu Al Saghiir/‫الجامع الصغير‬, Xadiithkiisa laba
boqol iyo shan iyo labaatan ku wariyay inuu Nabi Mixammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫"أحبوا العرب لثالث النى عربي والقرآن عربي وكالم اهل الجنة عربي‬
"Axibbuu Al Caraba li thalaathin: (1) li annii Carabiyyun, (2) Wa Al Quraanu
Carabiyyun, (3) wa kalaamu ahli Al Jaannati Carabiyyun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Carabta u jeclaada saddex sababood daraadood:
(kow) Tan koowaade anigu waxaan ahay nin Carab ah,
(labo) waa tan labaade Quraanku waa af Carabi,
(saddex) Waa tan saddexaade afka ay dadka Jannada ku jira ku hadlaan waa af Carabi."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Bayhaqii/‫البيهقي‬, kuna wariyay kitaabkiisa Shucbu Al limaani
/‫ شعب اإليمان‬kana wariyay Ibnu Cabbaas/‫إبن عباس‬, Allaha raalli ka wada noqdee, yirina waa
Xadiith saxiix ah.
Waxaa kaloo wariyay Al Xaakim/‫ الحاكم‬oo ku wariyay kitaabkiisa Al Mustadrik/‫المستدرك‬, yirina
waa saxiix.
Waxaa sidoo kale wariyay Al Dhabraanii/‫الطبراني‬, kuna wariyay kitaabkiisa Al Kabiiru/‫الكبير‬,
yirina waa Xadiith saxiix ah.
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu ka wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عبد هللا‬
‫بن عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka wada noqdee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
16
‫"إن هللا إختار خلقه فاختار منهم بنى آدم ثم اختار من بنى آدم العرب ثم إختارني من العرب فلم أزل خيارا‬
".‫ أآلمن احب العرب فبحبي أحبهم ومن أبغضى العرب فببغضي أبغضهم‬.‫من خيار‬
Inna Allaaha ikhtaara khalqahu fa ikhtaara minhum Banii Aadama. Thumma ikhtaara
min Banii Aadama Al Caraba, thumma ikhtaaranii mina Al Carabi, fa lam azal khiyaaran
min khiyaarin. Alaa man axabba Al Caraba fa bi xubbii axabbahum, wa man abghada Al
Caraba fa bi bughdii abgbadahum. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu kala doortay khalqigiisa kuwa ugu sharaf badan, markaasuu wuxuu ka doortay
Banii Aadanka. Kaddib wuxuu Banii Aadanka ka doortay oo ugu sharaf iyo khayr badan
Carabta. Kaddibna aniguu Carabta iga dhex doortay oo ugu sharaf badan uguna khayr badan, oo
sidaasaan waxaan ku ahay kan ugu sharaf badan oo kuwa ugu sharaf badan ka dhashay. War
hooy ogaada: qofka Carab jecel wuxuu u jecel yahay jeceylka uu aniga i jeceyl yahay daraadiis,
midka Carabta necebna wuxuu u neceb yahay nacaybka uu aniga. i neceb yahay daraadiis."
Riwaayad kalena waxay warisay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Waallam yiri:
".‫" ثم إختار بنى آدم فإختار منهم العرب‬
"Thumma ikhtaara Banii Aadama, fa ikhtaara minhum Al Caraba",
oo macneheedu yahay:
"Kaddib wuxuu doortay Banii Aadanka, markaasuu ayagana Carabta ka dhex doortay."
Al dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu Abuu Hurayrah/‫ أبو هريرة‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasalam, yiri:
‫"إن هللا حين خلق الخلق بعث جبريل فقسم الناس قسمين فقسم العرب قسما والعجم قسما وكان خيرة هللا‬
‫في العرب ثم قسم العرب قسمين فقسم اليمن قسما وقسم مضر قسما وقريشا قسما وكانت خيرة هللا في‬
".‫قريش ثم اخرجني من خير من انا منهم‬
"Inna Allaaha xiina khalaqa al khalqa bacatha Jibriila, fa qasama al naasa qismayni, fa
qasama al Caraba qisman wa qasama al cajama qisman, wa kaana khiiratu Allaahi fii Al
Carabi. Thumma qasama Al Caraba qismayni. Fa qasama al Yamana qisman, qa qasama
Mudar qisman, wa Qurayshan qisman, wa kaanat khiiratu Allaahi fii Qurayshin. Thumma
akhrajanii min khayra man anaa minhum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay markuu khalqiga abuuray wuxuu diray Jibriil\‫جبريل‬. Markaasuu dadka laba qaybood u
qaybiyay, oo uu Carab qayb ka dhigay, cajamtana qayb ka dhigay. Ilaahayna wuxuu doortay
Carabta oo ugu sharaf badan. Markaasuu Carabta laba qaybood u qaybiyay, oo uu markaas
Yaman\‫ يمن‬qayb ka yeelay, Mudarna\‫( مضر‬Mudar\‫ مضر‬waa awoowaha toddoba iyo tobnaad ee
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) qayb ka yeelay, Qurayshna \‫ قريش‬qayb.
Ilaahayna wuxuu doortay Quraysh\‫ قريش‬. Markaasuu wuxuu iga soo saaray kuwa ugu sharaf
badan oo aan anigu ka mid ahay."
17
Al Tarmathii-na/‫ الترمذي‬wuxuu ka wariyay Salmaan Al Faarisii/‫ سلمان الفارسي‬inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫" يا سلمان ال تبغضني فتفارق دينك‬
"Yaa Salmaanu laa tabghadnii fa tufaariqa diinaka",
oo macneheedu yahay:
"Salmaanow‫ سلمان‬ha i nicin, maxaa yeelay haddad i nacdid Diinta ayaad ka baxaysaa".
Markaasaan waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayow, sideebaan kuu nacayaa ayadooba uu Ilaahay adigu igu kaa hanuuniyay?"
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"تبغض العرب فتبغضني‬
"Tabgadhu Al Caraba fa tabghadunii",
oo macneheedu yahay:
"Waxaad nacaysaa Carabta, markaasaad anigana i nacaysaa."
Salmaa Al Faarisi/‫سلمان الفارسي‬, Allaha raalli ka noqdee, siduu magaciisuba u sheegayo wuxuu
u dhashay dalka liraan/‫إيران‬, oo Carab ma uusan ahayn.
Al Dhabraanii/‫ الطبراني‬wuxuu calii ka wariyay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"اليبغض العرب إال منافق‬
"La yabghadu Al Caraba illaa munaafiqun",
oo macneheedu yahay:
"Carabta ma uusan necba munaafaq mooyee".
Xadiithka Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee Quraysh\‫قريش‬
Wuxuu Muxammad. bin Cumar Al Cadanii/‫محمد بن عمر العدني‬, oo ah Sheekha Imaam
Muslim/‫مسلم‬, Musnadkiisa/‫ في مسنده‬Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas/‫ عبد هللا إبن عباس‬uga wariyay
inuu yiri:
‫ يسبح ذلك النور وتسبح المالئكة‬،‫"أن قريشا كانت نورا بين يدي هللا قبل أن يخلق آدم بألفي عام‬
".‫بتسبيحه‬
Oo macnihiisu yahay:
"inay Quraysh\‫قريش‬, oo ah midda lagu liibaaniyay Islaamka ay ahayd nuur ku sugan labada
Gacnood ee Ilaahay dhexdooda ka hor intaan la abuurin Aadan laba kun oo sano, ayadoo uu
nuurkaasi Subxaanalleysanayo, Malaa'igtuna ay tasbiixdiisa ayaguna markaas ku tasbiixsaneyso
18
(oo ah inay markay Qurayshi tiraahdo Subxaana Allaahi/‫هللا‬
Allaahi/‫ سبحان هللا‬ka daba leedahay)".
‫ سبحان‬ayay Malaa'igtuna Subxaana
Ibnu Al Qadh-dhaan/‫ إبن قطان‬wuxuu yiri:
"Xadiithkaan iyo Xadiithka Calii/‫علي‬, oo, hadda nasoo maray, waxaa loo mideynayaa ayadoo
uu nuurka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jirmi loo yeelay laba iyo toban kun oo
sano abuuritaanka Aadan\‫ آدم‬ka hor, kaddibna Quraysh\‫ قريش‬inteeda kale lagu daray, tasbiixdana
lagu dhawaajiyay, oo ay tasbiixsadeen."
Sarraynta Quraysh
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬wuxuu yiri:
ّ ‫سو ِل‬
‫س‬
ْ ِ‫اجل‬
ْ ْ‫شي ُر إلَ ْي ِه النّبِ ّى ÷ أَن‬
ُ ‫ لِ َما َرأَى ِمنْ َغ ّم َر‬،‫ش‬
ِ ُ‫هللاِ ÷ فِى قَتْ ِل َح ْم َزةَ َو َما ُمثّ َل بِ ِه ُك ّل َذلِ َك ي‬
ٍ ‫َو َج َع َل أَبُو قَتَا َدةَ يُ ِري ُد أَنْ يَنَا َل ِمنْ ق ُ َر ْي‬
ّ ‫ “أَ ْحت َِسبُك ِع ْن َد‬:÷ ِ‫ فَقَا َل َر ُسو ُل ّهللا‬- ‫ َو َكانَ قَائِ ًما‬- ‫ثَالثًا‬
ّ ‫سو ُل‬
:÷ ِ‫هللا‬
ُ ‫ ثُ ّم قَا َل َر‬،”ِ‫هللا‬
ّ ُ‫ إنّ قُ َر ْيشًا أَ ْه ُل أَ َمانَ ٍة َمنْ بَ َغا ُه ْم ا ْل َع َواثِ َر َكبّه‬،َ‫“يَا أَبَا قَتَا َدة‬
‫سى إنْ طَالَتْ بِك ُم ّدةن أَنْ ت َْحقِ َر َع َملَك‬
َ ‫هللاُ لِفِي ِه َو َع‬
ّ ‫ش ألَ ْخبَ ْرت َها بِ َما لَ َها ِع ْن َد‬
.”ِ‫هللا‬
‫ لَ ْوال أَنْ تَ ْبطَ َر قُ َر ْي ن‬،‫ َوفَ َعالَك َم َع فَ َعالِ ِه ْم‬،‫َم َع أَ ْع َمالِ ِه ْم‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Duullanka Uxud\‫ غزوة أحد‬markuu Saxaabiga Abuu Qataadah Al Ansaarii\‫ أبو قتادة األنصاري‬arkay
kurbaday Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam gelisay dilidda adeerkiis
Xamzah\‫ حمزة‬iyo siday jirkiisa cadad looga gooyey si loo foolxumeeyo ayuu Quraysh \‫ قريش‬wax
ka sheegay. Intaasoo idilna Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu
Abuu Qataadah‫ أبو قتادة‬u tilmaamayaa inuu fariisto oo uu saddex goor ku yiri: “fariiso” isagoo uu
Abuu Qataadah‫ أبو قتادة‬markaas taaganyahay. Markaasuu Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam wuxuu Xamzah‫ حمزة‬ku yiri:
“Ilaahay ayaan ka rajeynayaa inuu i siiyo ajarka dhibaatada iga soo gaartay waxa lagugu falay.”
Kaddibna wuxuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“Abaa Qataadow\‫ !أبا قتادة‬Qurayshi\‫ قريش‬waa dad amaano leh oo ehel u ah oo la aaminay, qofka
god khayaano u qodana oo doona inuu sida libaaxa loo dabo oo loo ugaarsado u ugaarsadana
Ilaahay intuu waji waji u tuuro ayuu afka ciidda u geliyaa oo dulleeyaa. Waxaadna arki doontaa
hadduu cumrigaado dheeraado inaad camalkaaga (waana salaadda, zakada, soonka, xajka iyo
camalka suuban oo dhan oo aad suubisid) saluugtid oo uu kula yiraado markaad ayaga
camalkooda barbar dhigtid oo ku qiyaastid, falalkaagana aad yastid markaad falalkooda barbar
dhigtid. Haddaanan ka baqayn inay Qurayshi\‫ قريش‬kibirto waxaan u sheegi lahaa waynaanta
waxa wanaag ah oo Ilaahay agtiisa u yaalla.” (waxaan kasoo qaadannay kitaabka Siirada Al
Waaqidii Mujalladka Koowaad bogga laba boqol iyo kow: duullaanka Uxud\‫)غزوة أحد‬.
19
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu isaguna Al Nihaayah\‫ النهاية‬mujalladka sadexaad bogga boqol laba
iyo sideetan ku wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫ من بغاها العواثر كبه هللا لمنخره‬،‫"إن قريشا أهل أمانة‬
“Inna Qurayshan ahlu amaanatan, man baghaahaa al cawaathira kabbahu Allaahu
limunkharihi” oo macnihiisu yahay:
“Qurayshi\‫ قريش‬waa amaano xambaar qofka kusoo xad gudbana oo dulmiya Ilaahay sankuu
ciidda u geliyaa oo waa dulleeyaa.”
Al Shariif Axmad Zaynii Daxlaan oo reer Makkah ahaa‫ ألسيد أحمد زيني دحالن‬Allaha u naxariiste,
tarjumadiisuna waa na soo martay, wuxuu kitaabkiisa Siirada‫ السيرة النبوية واآلثار المحمدية‬Umuu
Haan’I bintu Abuu Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أم هانئ بنت أبي طالب بن عبد المطلب‬,
Allaha dhammaantood raali ka noqdee, ka wariyay inay tiri:
:‫فضل رسول هللا صلى هللا عليه وسلم قريشا بسبع خصال لم يعطها أحد قبلهم وال يعطاها أحد بعدهم‬
‫النبوة فيهم‬
)0(
‫والخالفة فيهم‬
)2(
‫والحجابة فيهم‬
)8(
‫والسقاية فيهم‬
)4(
‫ونصروا على أصحاب الفيل‬
)1(
‫ في رواية “عشر سنين” قال بعضهم المراد منها السنون‬، :‫وعبدوا هللا سبع سنين لم يعبده أحد غيرهم‬
)6(
‫التي كانت في أول بعثته صلى هللا عليه وسلم فإن أول المؤمنين الذين اتبعوه كانو من قريش وصبروا معه على كثير من‬
‫األذى الحاصل من بقية قريش الذين لن يسلموا واستمر اإلسالم يتقوى بمن أسلم منهم حتى فشا وظهر باسالم األوس‬
.‫والخزرج و ذلك القدر يبلغ عشر سنين‬
.‫ لئالف قريش‬:‫ونزلت فيهم سورة من القرآن لم يذكر فيها أحد غيرهم‬
Xadiithka Macnihiisu waxaa weeye:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu Quraysh \‫ قريش‬u yeelay oo dadka
intiisa kale dheereysiiyay oo uga sare mariyay toddoba aan ayaga hortood axad ayaga ka
horreeyey la siin, axad ayaga ka dambeeyana aan la siinayn, oo kala ah:
(Kow) Nabinnimadu ayagay ku sugnaatay,
(Laba) Khilaafaduna ayagay ku sugnaatay,
(Saddex) Maamulka Kacbaduna ayagay ku sugnaatay,
(Afar) Waraabinta xujayda biyaha Zamzam\‫ زمزم‬ayagay ku sugnaatay,
(Shan) Waxaa looga hiilliyay oo looga gargaaray kuwa maroodiga watay ee “Asxaabu Al
Fiil\‫”أصحاب الفيل‬,
)7(
20
(Lix) Toddoba sano ayay Ilaahay caabudayeen, isagoo uusan axad aan ayaga ahayn caabudayn.
Riwaayadna waxay warisay “Toban sano” Culumada qaarkoodna waxay yiraahdeen waa
sanooyinka ugu horreeyey Bicthadiisa\‫ بعثته‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo mu’miniinta
ugu horreeyey oo raacay waxayu dhasheen Quraysh \‫ قريش‬ayagoo la jirayna waxay u sabreen
dhibka faraha badan oo uga yimid Qurayshta\‫ قريش‬aan wali islaamin, islaamkuna wuxuu kusii
xoogeysanayay kuwooda hadba soo islaama ilaa ay diintu kasoo bannaan baxdo oo ay faafto
markay Al Aws\‫ األوس‬iyo Al Khazraj\‫ الخزرج‬islaameen: mudadaasna waxay qaadatay ilaa toban
sano.
(Toddoba) Waxaana kasoo degatay Suurad Quraanka ka mid ah oo aan axad aan ayaga ahayn
lagu xusin: Suuradda Li Iilaafi Quraysh‫ لئالف قريش‬.
:‫وعن أنس رضي هللا عنه‬
".‫"حب قريش إيمان وبغضهم كفر‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Jecaylka Quraysh\‫ قريش‬waa iimaan, nacaybkooduna waa kufrinnimo.”
:‫ قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬:‫وعن أبي هريرة رضي هللا عنه قال‬
”.‫"الناس تبع لقريش مسلمهم تبع لمسلمهم وكافرهم تبع لكافرهم‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadku wuxuu raacsan yahay oo ka dambeeya madaxtinnimada Quraysh \‫قريش‬, oo dadka
muslinka ahi waxay raacsan yihiin Qurayshta\‫ قريش‬muslinka ah, dadka gaalada ahna waxy
raacsan yihiin Qurayshta\‫ قريش‬gaalada ah.”
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
."‫"العلم في قريش‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Cilimigu wuxuu ku sugan yahay \‫ قريش‬dhexdeeda.”
21
:‫وقال أيضا‬
".‫"األئمة من قريش‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Imaamnimadu – waana midda dawladda ee madaxweynannimada, boqornimada, iwm. Iyo tan
salaadda, jihaadka, iwm. – waxaa iska leh oo ay u sugnaatay Quraysh\‫قريش‬.”
:‫وقال أيضا‬
."‫"آلتسبوا قريشا فإن عالمها يمالأ طباق األرض علما‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Quraysh\‫ قريش‬ha caayina, ayadoo midkooda caalinka ahi adduunkoo idil cilmi ka buuxinayo.”
:‫قال جماعة منهم اإلمام أحمد‬
‫"هذا العالم هو الشافعي رضي هللا عنه ألنه لم ينتشر في طباق األرض من علم عالم من قريش من الصحابة وغيرهم ما‬
".‫انتشر من علم الشافعي رضي هللا عنه‬
Koox culummada ka mid ah, uuna ka mid yahay Imaam Axmad\‫ أحمد‬waxay yiraahdeen:
“Caalinkaasu waa Al Shaaficii‫ الشافعي‬Allaha raali ka noqdee, maxaa yeelay kuma uusan faafin
arliga oo idil cilmi nin caalin ah oo Quraysh\‫ قريش‬u dhashay oo saxaabada ka mid ah iyo ayaga
ghayrkoodba wax aka faafay cilmiga Al Shaaficii‫ الشافعي‬Allaha raalli ka noqdee.”
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
‫ "وال‬:‫" وفي رواية‬.‫"وال تعالوها" إي ال تغالبوها والتكاثروها فيه‬
،"‫"قدموا قريشا وال تقدموها‬
.‫تعلوها" إي ال تعلوا عليها بمعنى ال تجعلوها في المقام األدنى الذي هم مقام التعلم والقصد أن ال تحتقر‬
:‫وفي رواية‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Quraysh\‫ قريش‬hormariya, oo ha ka hor marina.”
Riwaayadna waxay warisay:
“Ha iska kor yeelina” oo macneheedu yahay ha ku dadaalina inaad ka kor martaan oo aad ka
badisaan, kana adkaatan.
Riwaayad kalena:
22
“Hoos ha u dhuganina oo iskala kor ahaanina” oo ah ha yasina.
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"احبوا قريشا فان من احبهم احبه هللا‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Quraysh\‫ قريش‬jeclaada, maxaa yeelay qofka jeclaada Ilaahay ayaa isagana jeclaada.”
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"لوال أن تبطر قريش ألخبرتها بالذي لها عند هللا تعالى‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Haddaanan ka baqayn inay Quraysh\‫ قريش‬kibirto waxaan u sheegi lahaa waxa (khayrka ah) oo
Ilaahay agtiisa u yaalla.”
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم يوما‬
‫"أيها الناس إن قريشا أهل أمانة من بغاها العواثر أي من طلب لها المكايد كبه هللا لمنخره أي كبه هللا على‬
.‫" قال ذلك ثالث مرات‬.‫وجهه‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qurayshi\‫ قريش‬waa amaano xambaar qofka kusoo xad gudbana oo dulmiya oo dabin u
qorsheeya Ilaahay sankuu ciidda u geliyaa oo waa dulleeyaa.”
Sidaas ayuu saddex goor yiri.
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫ "وشرار قريش شرار الناس‬:‫ وفي رواية‬،"‫"خيار قريش خيار الناس وشرار قريش خيار شرار الناس‬
.‫والرواية اآلولى أصح وأثبت‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Akhyaarta Quraysh\‫ قريش‬waa akhyaarta dadka (oo idil), Quraysh\‫قريش‬
akhyaarta dadka intiisa xun.”
kuwooda xunna waa
23
Riwaayadna waxay warisay:
Quraysh kuwooda xunna ayagaa dadka ugu xun.”
Riwaayada hore ayaana midda dambe ka saxsan kana sugan.
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"قريش والة هذا األمر فبر الناس تبع لبرهم وفاجرهم تبع لفاجرهم‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Quraysh\‫ قريش‬ayaa amarkaan hoggaamiye u ah – waana madaxtinnimada ummadda Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam – oo dadka kuwooda fiicani waxay raacsan
yihiin ayaga kuwooda fiican, kuwooda xunna ayaga kuwooda xun ayay raacsan yihiin.”
:‫ قال لي رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬:‫وعن إبن عمر رضي هللا عنهما قال‬
".‫"من أحب العرب فبحبي أحبهم ومن أبغض العرب فببغضي أبغضهم‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Qofka carabta jeclaada aniguu i jecel yahay oo jacaylkayga daraadiis ayuu ayagana u jecel
yahay, qofka carabta necebna aniguu i neceb yahay oo nacaybkayga daraadiis ayuu ayagana u
neceb yahay.”
:‫ "قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬:‫وروى الترمذي عن سلمان رضي هللا عنه قال‬
:‫" قلت‬.‫"يا سلمان ال تبغضني فتفارق دينك‬
"‫يا رسول هللا كيف أبغضك وبك هداني هللا؟‬
:‫قال‬
".‫"تبغض العرب فتبغضني‬
Al Tirmithii‫ الترمذي‬wuxuu wariyay inuu Salmaan‫( سلمان‬Al Faarisii\‫ )الفارسي‬Allaha raalli ka
noqdee yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
“Salmaanow, ha i nicin oo haddaad i nacdid diintaadaad ka baxaysaa.”
Waxaan iri:
“Rasuulka Ilaahayow, side ku nici karaa ayadooba uu Ilaahay adiga igu kaa hanuuniyay?”
Wuxuu yiri:
24
“Carabta ayaad nacaysaa markaasaad anigana i nacaysaa.”
:‫ "قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬:‫وروى الطبراني عن علي رضي هللا عنه قال‬
".‫"ال يبغض العرب أال منافق‬
Al Dhabraanii‫ لطبراني‬wuxuu wariyay inuu Calii‫ علي‬Allaha raalli ka noqdee yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:
“Carabta ma nebcaado qof aan munaafaq ahayn.”
:‫وروى الترمذي عن عثمان رضي هللا عنه أن رسول هللا صلى هللا عليه وسلم قال‬
".‫"من غش العرب لم يدخل في شفاعتي ولم تنله مودتي‬
Al Tirmithii‫ الترمذي‬wuxuu Cuthmaan‫ عثمان‬ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam yiri:
“Qofka carab khayaana kama mid ahaanayo kuwaan u shafeeco qaadayo, jacaylkaygana ma
helayo.”
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫ والقرآن عربي وكالم أهل الجنة عربي‬،‫ ألني عربي‬:‫"أحبوا العرب لثالث‬
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“Carabta saddex daraadood u jeclaada:
(Kow) Anigu waxaan ahay carab,
(Laba) Quraankuna waa carabi,
(Saddex) Hadalka dadka jannada ku jirana waa carabi.
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"إن لواء الحمد بيدي يوم القيامة وأن أقرب الخالئق من لوائي يومئذ العرب‬
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Salam yiri:
“Calanka xamdigu gacantaydu ku jiraa maalinta qiyaame, khalqigana waxaa calankayga ugu
dhow maalintaas carabta.”
25
:‫وقال صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"إذا ذلت العرب ذل اإلسالم‬
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“Haddii carabta la dulleeyo, islaamkuna waa dulloobayaa.”
:‫وعن إبن عباس رضي هللا عنهما مرفوعا‬
‫"خير العرب مضر وخير مضر عبد مناف وخير عبد مناف بنو هاشم وخير بني هاشم بنو عبد المطلب وهللا‬
".‫ما افترق فرقتان منذ خلق هللا آدم إال كنت في خيرهما‬
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“Carab waxaa ugu khayr badan (qabiilka) Mudar‫ – مضر‬oo Mudar‫ مضر‬waa awoowaha lix iyo
tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – Mudarna
‫ مضر‬waxaa ugu khayr badan (qabiilka) Cabda Manaaf‫ – عبد مناف‬oo Cabdu Manaaf‫عبد مناف‬
waa awoowaha saddexaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam oo waa Haashim‫ هاشم‬aabihiis – Cabdu Manaafna‫ عبد مناف‬waxaa ugu khayr badan
Banuu Haashim‫ هاشم‬, Banuu Haashimna‫ هاشم‬waxaa ugu khayr badan Cabdu Al Mudh-dhalib
‫عبد المطلب‬. Wa Allaahi\‫ وهللا‬maray nin laba qabiil ka kala farcamaan tan iyo intuu Ilaahay
Aadan\‫ آدم‬abuuray waxaan ku jiray kooda labadooda khayr badan.”
.‫وأفتى بعذ العلماء بقتل من سب العرب وفي الصحيحين آية اإليمان حب األنصار وآية النفاق بغضهم‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Culummada qaarkood waxay ku aftoodeen in qofka carabta caaya xukunkiisu dil yahay. Al
Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬waxaa ku sugan inay aayadda, waana calaamadda lagu
aqoodo, iimaanku tahay jacaylka Ansaarta\‫األنصار‬, aayadda waa calaamaddee munaafaqnimaduna
tahay nacaybkooda.”
:‫وروى الطبراني‬
".‫"حب قريش إيمان وبغضهم كفر‬
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu wariyay:
“Jeclaanta Quraysh\‫ قريش‬waa iimaan, necbaantooduna waa gaalnimo.”
26
:‫و‬
".‫"حب األنصار من اإليمان وبغضهم من الكفر‬
Iyo:
“Jeclaanta Ansaartu\‫ األنصار‬iimaankay ka mid tahay, nacaybkooduna gaalnimaday ka mid tahay.”
:‫و‬
".‫"من أحب العرب فقد أحبني ومن أبغض العرب فقد أبغضني‬
Iyo:
“Qofka carabta jeclaada aniguu i jeclaaday, qofka carabta necebna aniguu i necbaaday.”
:‫وروى إبن عساكر عن جابر رضي هللا عنه عن النبي صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"حب أبي بكر وعمر من اإليمان وبغضهما كفر‬
Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬wuxuu Jaabir\‫ جابر‬Allaha raalli ka noqdee ka wariyay inuu Nabigu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“Jeclaanta Abii Bakar‫ أبي بكر‬iyo Cumar‫ عمر‬iimaanka ayay ka mid tahay, labadooda la nacana
waa gaalnimo.”
:‫و‬
Iyo:
".‫"حب األنصار من اإليمان وبغضهم كفر‬
“Jeclaanta Ansaartu\‫ األنصار‬waxay ka mid tahay iimaanka, nacaybkooduna waa gaalnimo.”
:‫و‬
Iyo:
".‫"حب العرب من اإليمان وبغضهم كفر‬
“Jeclaanta carabtu waxay ka mid tahay iimaanka, nacaybkooduna waa gaalnimo.”
27
:‫و‬
Iyo:
".‫"من سب أصحابي فعليه لعنة هللا ومن حفظني فيهم فأنا أحفظه يم القيامة‬
“Qofka asxaabtayda caaya waxaa korkiisa ah lacnadda Ilaahay – oo naxariistiisa laga fogaynayo
– qofka asxaabtayda dhowrana aniga isaga dhowraya maalinta qiyaame.”
‫ وهذه سيرة السلف فيجب‬،‫قال بعض شراح الشفا واألحاديث كثيرة في هذا الباب وبالجملة من أحب شيئأ أحب كل شيئ يحبه‬
‫على كل أحد أن يحب أهل بيت النبي صلى هللا عليه وسلم وجميع الصجابة من العرب والعجم السيما جنسه صلى هللا‬
‫عليه وسلم وال يكون من الخوارج في بغض أهل البيت فانه ال ينفعه حينئذ حب أهل البيت و ال من االروان الذين يكرهون‬
.‫العرب بالطبع المالم ويرمونهم بسوء الكالم فانه يخشى منه سوء الختام‬
“Kuwa sharxay kitaabka Al Shifaa’\‫ الشفاء‬qaarkood waxay yiraahdeen, arrinkaanna waxaa kusoo
aroortay Axaadiith fara badan, in guud ahaan qofka wax jeclaada oo jecel yahay wuxuu qofkaas
uu jeclaaday jecel yahay oo idil: taas weeyana dhaqanka asxaabtii. Marka waxaa waajib ku ah
axad kasta inuu jeclaado Ahlu Al Baytka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ‫أهل بيت‬
‫ النبي صلى هللا عليه وسلم‬iyo dhammaan saxaabada ha ahaadaan carab ama cajam, gaar ahaanna la
jeclaado jinsigiisa oo ah kuwuu ka dhashay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, uusanna ka mid
noqon khawaarijta qaba nacaybka Ahlu Al Bayti, oo markaas ma anfacayo inuu jeclaado Ahlu
Al Bayti‫ أهل البيت‬, iyo sidoodaba kuwa neceb carabta, oo wax xun ka sheega, waxaana kaas
looga baqaa khaatumo xumo.
Nasabka Quraysh\‫ قريش‬waa sugan yahay oo waa la hubaa, oo waa sidaan kitaabkaan ku
warinaynno, siduu uga markhaati kacay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam, ilaa Cadnaan\‫عدنان‬. Laga bilaabo Cadnaan‫ عدنان‬ilaa Nabi Aadan
Calayhissalaamu culummada nasabka ku xeel dheeri waa isku khilaafsan yihiin.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu Shiikhaal sharafta, darajada, cilmiga, Alle ka cabsiga, dhowrsanaanta,
karaamada uu siiyay u joogteeyo adduun iyo aakhiraba, ayna noqdaan kuwa u kaca, siday aabayaalkood
ugu keceen oo kale, gaarsiinta diintaan Ilaahay dadka, meel kastoo ay joogaanba.
‫ والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما‬،‫الحمد هلل رب الع المين‬
‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Columbus, Ohio, USA
Jimce sideed iyo tobanka bisha Jamaadu Al Aakhar\‫ ربيع األخر‬ee sanadka kun afar boqol shan iyo
soddon Hihriga, una dhiganta sideed iyo tobanka Abriile laba kun afar iyo toban Miilaadiga ah.
28
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫ وأشهد أن الإله إال هللا وحده الشريك له‬،‫ و أستغفره وأتوب إليه‬،‫ أستعينه وأستهديه‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عليه وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا إبراهيم‬، ‫عن ذكره الغافلون‬
‫وبارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا إبراهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم في العالمين إنك حميد‬
‫ أما بعد‬،‫مجيد‬
Qubuuraha Awoowayaal
Ziyaarada Xaajiyo Madiinah Cali Cismaan Cilmi Axmad Agoon ee awoowayaal
Markay ahayd maalin arbaco taariikhduna tahay bisha Jamaadu Al Aakhir labadeeda kun afar
boqol shan iyo sodoonka Hijriga, una dhiganta labada bisha Abriile laba kun afar iyo tobanka
Miilaadiga ah iyo khamiista ku xigtayba waxaa taleefan iigu warrantay walaashay Xaajiyo
Madiinah Cali Cismaan Cilmi Axmad Agoon, oo deggan magaalada Toronto ee arliga Kanada
oo ayaamahaas Soomaaliya kasoo laabatay, aniguna aan Columbus Ohio ee dalka maraykanka
degganahay, kaddib markaan salaadda duhur tukannay, waxayna iiga warrantay socdaalkay ku
tagtay oo ku dul istaagtay qubuuraha awoowayaalkeen, warka soo socdana ayada afkeedaan ka
qoray waxayna tiri:
“Waxaan ka ambabaxay Kanada sagaalka bisha Fabraayo 2014, oo aan saddex maalmood
Dubay joogay, kaddibna aan maalin isniinaad ee bisha Fabraayo afar iyo tahay galay magaalada
Muqdisho.
Maalinta taas ku xigtay oo talaada ah Muqdisho waan ka baxay waxaanna aaday xagga waqooyi
iyo gobolka Mudug, anigoo doonaya inaan soo ziyaarto oo dul istaago qubuuraha aabayaalkeen
oo gobolkaas ku yaalla.
Talaado galabtii waxaan dul istaagnay Yamayska ama Cirjiife, ee degmada Gaalkacyo ka mid
ah, halkaasoo ay ku duugan yihiin dad ay ka mid yihiin Xaaji Cismaan Maxammad “Cadde” iyo
Suuban Cismaan Cilmi, iyo adeer Nuur Cismaan Cilmi .
Subax arbaco waxaan tagnay tuulada Bacaadwayn – mana aqaanno sababta magacaas loogu
bixiyay ayadoo uu dhulkeedu dibir dhagax adag ah yahay. Waxaa halkaas ku jira dad ay ka mid
yihiin:
*Sheekh Cabdu Allaahi Sheekh Ibraahiim “Baardheere” – oo aabihiis ayaa magaalada
Baardheere ku duugan oo sidaas loogu koofaaray -.
*Macallin Maxamuud Cali Cismaan xaaskiisa yar oo magaceedu ahaa Dahabo Muuse Cadde
Aadan oo Cumar Maxamuud u dhalatay, ayada hooyadeed ayaa ayaduna halkaas ku jirta.
29
Kaddib waxaan usoo hoyday galab khamiis soo gashay Gaalkacyo. Duhur khamiis ayaan ka
baxnay Gaalkacyo, oo galabtii oo idil waa soconnay, kaddibna waxaan habeenkii sideed saac
iyo nus oo habeennimo oo habeen barka la dhaafay ayaa waxaan tagnay qubuuraha Haraanhur
ku yaalla, oo Gaalkacyo Waqooyi/Bari ka xiga, sababta loogu bixiyayna ma aqaan oo intaan
arkaya sidaasaa loogu yeeri jiray, wayna kulushahay, dhanka Golol, waxayna u dhowdahay
Budbud, halkaasoo ay culummo badani ku duugan yihiin, ayna ka mid yihiin:
* Macallin Axmad Agoon.
* Adeer Maxamad Cismaan Cilmi.
* Adeer Sheekh Cumar Cismaan Cilmi.
Markaan Salaadda Subax tukannay oo ay qorraxdii soo baxday ayaan gaajo dareemay,
markaasaan waxaan iri:
“Adeerayaalow, anigu saaka quraac ayaan rabaa”, aanna ka wado oo la hadlayo kuwa halkaas ku
duugan.
Waxaa igu qososhay gabar yar oo Xaawo la yiraahdo, ayna dhashay Xaliimo Cali Cismaan oo ila
socota, ayna tiri:
“Habaryaray saaka meeshaan quraac kuuma taallo ee culummada ha hathuurin – oo ah ha dhibin
oo wax kuuma heli karaane-.”
Markaasaan xagga qubuuraha u dhaqaaqay. Cismaan Xasan Cadde ayaan soo wacay – taleefanka
isagoo Xamar jooga – markaan qubuurihii kala garan waayay oo magacdii waa tirtirmeen.
Tilmaamihiisa ayaan ku helnay.
* Awoowe Macallin Axmad Agoon waa helnay qabrigiisa oo magaciisu ku dhigan yahay, iyo:
* Axmad “Saghaar” Cilmi Axmad Agoon, Cismaan Cilmi walaalkiis iyo dad badan oo kale oo
aanan qalinka kusoo wada koobi karin.
Markaasaan Culummadii Quraan intuu Alle idmay u akhrinnay, kaddibna qubuurihii ayaan dhex
galnay.
Markaasaa waxaa ii muuqday laba qof oo dumar ah oo maraysa oo maryo guduudan xiran oo
qubuuraha geeskooda jooga.
Markay na arkeen ayay ayagoo rag iyo dumarba leh noo soo dhaqaaqeen, waxayna yiraahdeen:
“Ilaahay ayaa isku kaaya keenay, oo waxaan rabnay inaan baxno, markaasaan qaarkiin aragnay!
Ha naga tegina oo waqti yar na suga oo xoolo sadaqo ah ayaa noo xirane.”
Dadkayaga wada socday ayaan markaas isku nimid, waxaanna is niri:
“Ma sugaynnaa mase waqti ayaa nagu socdee waa iska baxnaa?”
Waxaan iri:
“Anigu saaka ayaan hadlay, mar labaadna ma hadlayo.”
30
Darawalku wuxuu yiri:
“gaajaa na haysee, Ilaahay ayaa sadaqaan na siiyay waana joogaynnaa.”
Waa la joogay oo Quraan iyo wardi ayaa la akhriyay.
Waxaa naloo keenay marka hore shah iyo caano, kaddibna xeero wayn oo macdan ah oo ay saran
yihiin hilbaha neefkii oo dhan, watana beerkiisa oo la shiilay iyo baridiisiiba.
Waa la cunay.
Halkaas waan ka alaabo aruursannay oo markaan duhurka tukannay oo qadaynnay, waana
maalin jimce, waana baxnay.
Waxaan sii marnay Casar oo aan soo gelin tuulada Afbarwaaqo – oo af barwaaqo waa ceel
magaciis oo tuulada loogu magic daray – halkaasna waxaan tagnay qubuuraha halkaas ku yaalla
ayna ku duugan yihiin:
*Adeer Axmad Cismaan Cilmi “Axmad Dheere” iyo:
* Macallin Maxammad Gaab oo Gacalow ah.
Kaddibna waan ka baxnay aanna tagnay tuulada Maxammad Caagane deggan yihiin oo la
yiraahdo Buq Qallooc – oo Buq waa ceel magaciis Buq la yiraahdo, oo malaha qalloocnaa -.
Halkaas waxaa nagu sugayay qaar ilmo Cismaan Cilmi ka mid ah sida Cabdi Shakuur Cali
Cismaan.
Buq Qalloc baabuurkaba kama aanan degin ee intaan dadka salaannay oo u sheegnay inaan isla
jimcaha rabno inaan tagno Xiin Garas aanna gaarnay Casarkii– oo xiin waxaa la yiraahdaa dhul
dhir badan oo xoolo daaqaan oo xiimanku waa badan yihiin waxaana la isku wada yiraahdaa
Ximan – waxayna leedahy geedaha “Garas” oo ayan caleentu ka dhicin lehna miro la karsado oo
leh beer sida yicibta oo kale iyo geedka “Higle” oo ah geed aan qodax lahayn oo har qabow.
Xiin Garas waxaa ku duugan Saciid “Madoobe” Xasan Cadde, Allaha u naxariiste, iyo aabihiis
Xasan Cadde Cismaan iyo aabahay Cali Cismaan Cismaan Cilmi, dad uu ka mid yahay.
Ximan waxay ahaan jirtay arli Shiikhaal, Hawiye iyo Cabdi Ciise, haddase waxaa u badan Dir.
Af Barwaaqo iyo Buq Qalooc iyo Qoryowayn waxaa la isku wada yaallaan Golol oo ay ka
tirsan yihiin.
Xiin Garas ayaa waa hore niman ka qoteen baraako culummada halkaas ku jirta agtooda,
markaasaa lagu yiri:
“Meeshaan culummo badan ayaa ku jirtee ha qodannina.”
Wayse diideen oo la kari waayay. Ninka baraakta qotay markuu dhammeeyey ayay aayar dam
isku tiri oo isku soo guurtay.
Mar labaad ayuu qoday, wuxuuna culummo Shiikhaal ah ku yiri:
“Hadday baraagtu ii dhammaato waxaan ballan qaadayaa inaan biyaha bil u sadaqaysto.”
31
Markaasay hadana dam isku tiri ayadoo aan koob la dari.
Ninkii waa ka lugeeyey oo isaga tegay.
Nin kale ayaa yimid oo wuxuu ka qotay meel xoogaa u jirta oo aan qubuuraha u dhowayn.
Markaan halkaas tagnay waxaan ku tukannay Casar iyo Maghrib, wardine waa akhrinnay,
kaddibna waa ka baxnay.
Markaan Maghrib tukannay waa ka baxnay Xiin Garas, oo markay qiyaas shan saac oo
habeennimo tahay waxaan tagnay meel baadiye ah ee la yiraahdo Libaax Seexay, waxaana
deggan Muyiyiddiin Cabdi Muuse oo aan habaryar u ahay, wuxuuna noo qalay laba neef.
Waxaan u maylaynayaa in magacaas loogu bixiyay inay ku yaallaan qurac badan oo madaxa
iskula jira oo mugdi ah, hadduu arigu galena majohooda kaliya ah la arki karo. Libaaxuna wuxuu
gala mugdiga jiqda ah.
Habeenkaas waxaa halkaas jooga koox rag ah oo Reer Macallin (Axmad Agoon) ah, uuna madax
u yahay Sheekh Maxammad Cilmi Khalaf, kana yimid ziyaarada Macallin Axmad Agoon, oo ay
wiilkaan kusoo degeen.
Waagu markuu noo baryay, waxaan soo celinnay wiilka darawalka ah, oo ay dhashay Xaawo
Cali Cismaan, magaciisana la yiraahdo Xuseen Maxammad Cilmi Shire, una soo celinnay Buq
Qalloc, si uu usoo qaado culummada Quraanka akhrin lahayd siyaarada Cismaan Cilmi. Wiilku
wuxuu tegay tuulada Jiray wuxuuna soo guray culummada ay ka mid yihiin Maxammad
Axmad Dheere, Xuseen Cilmi Caagane, Cabdi Bayle Axmad Nuur iyo rag kale. Kaddibna
wuxuu soo maray Buq Qalloc oo uu kasoo qaaday culummo dhawr iyo labaatan nin ah, waxayna
soo mareen Dhinowda, Maxamuud Cismaan iyo Macallin Maxamuud Cali Cismaan iyo
Cismaan Xasan Cadde, Macallin Maxammad Maxamuud Cilmi Xaaji oo Reer Nuux ah kuna
magec dheer “Dhegdheer” oo boqol sano kor u dhaafay oo sida baftada u cad ahna raggaas aan
soo sheegnay macallinkodii, iyo kuwe kaleba, waxayna siiyeen hal malyan oo shilin.
Markay culummadu timid laba neef ayaa loo qalay. Waan baxnay subixii, waxaanna marnay
Dhinooda annagoo u soconna Garacad siyaarada Cismaan Cilmi. Dhinooda waxaan u tagnay
“Macallin Maxammad Dhegdheer.”
Kaddibna waxaan u tagnay oday da’diisa ah oo la yiraahdo Shiikh Cabdu Allaahi Macallin
Xasan oo Samafale ah, waxaanna siinnau shanlay bafto ah iyo hal malyan , waana siyaarannay,
wuxuuna yiri:
“Hadalkaygow been dheh, Caagane baa-ba’ay been dheh oo waa kuwaanoo..”.
Kaddib waxaan aadnay Waqooyi iyo Garacad. Duhurkii dhex ayaan ku tukannay, oo Casar
hortiis ayaan Garacad tagnay, culummadana Digri Salaan ayaan ugu tagnay.
Saddex nin waxaa loo qaybiyay inay qabriga dhisaan, waxayna kala yihiin:
32
Kow. Cawil Maxamuud Yuusuf “Daboolay” Macallin Axmad Agoon oo mataan ah oo
shamiintada ku dhuftay.
Laba. Xuseen Cilmi Caagane Cismaan Cilmi “Beerdare” oo habeenkii ayuu saguaro qabsan
jiray, waan xaafith Quraanka.
Saddex. Abshir Bayle Axmad Nuur Cismaan Cilmi.
Cismaan Cilmi waxaa dhiniciisa ku duugan laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ah:
*Xaawo Cismaan Cilmi iyo:
*Faadumo Cismaan Cilmi, iyo
* Cali Xasan Cadde Cismaan Cilmi oo ceel ayaa ku dumay, ceelka la yiraahdo Burlaas oo biyo
macaan oo Garacad agteeda ku yaalla, isagoo lo’ ka shubaya, ayna kula jiraan oo ka fakaday
Cabdi Kariim Maxamad Cismaan “Ciiro” iyo Cabdi Shakuur Cali Cismaan.
* Faadumo Sahal Xasan Mataan oo Reer Macallin ah.
* Axmad Xuseen Axmad Dacar oo Reer Maxamuud Cilmi ah, walaalka la dhashay Cabdi Yare.
* Xasan Axmad Agoon.
* Xasan Axmad Agoon iyo wiilkiisa Cali Xasan Axmad Agoon
* Madiina Macallin AxmadAgoon, waxayna ahayd ayada iyo Xirsiyada soo socota labada
gabdhood oo Reer Axmad Agoon markaas ugu cilmi roonaa.
* Xirsiyo Macallin Axmad Agoon.
Toban qof oo Reer Axmad Agoon ah ayaa halkaas ku duugan.
Waxaana Garacad deggan Xaliimo Bisin ina Maxamuud Warsame ayna dhashay Faadumo
Cismaan Cilmi, oo hooyadeed halkaas ku duugan tahay, ayadaana noo sii diyaarisay
shamiintada, dhagaxda iyo wixii qabriga lagu dhisi lahaa, oo hore ayaan farriimo ugu soo dirnay.
Waxaa halkaa lagu akhriyay shan ama lix jaamac oo wax la dhammeeyey iyo wax la
barakeeyeyba leh.
Markii qabriga dhisiddisa la dhammeeyey ayaa waxaa la yiri:
“Taariikhda ha lagu dhigee, goormuu dhintay Cismaan Cilmi?”
Hooyaday Caasha Xuseen Macallin “Dabaalay”waxay tiri:
“Markay Madiinah ii dhalatay oo aan umushii ka daahir saday – waana soddon ilaa afartan beri
dhalidda dabadeed – ayaan Ciismaan Cilmi u tegay oo naf ka bax loo kor fadhiyo, markaasay
naftii daysay.”
Marka aniguna waxaan jiraa sagaal iyo lixdan sano: markaasuu Cismaan Cilmi dhintay.
(Sanadkaan aan qoraalkaan dhigaynno waa laba kun afar iyo toban Miilaadiga: ka goo sagaal iyo
lixdan, waana kun sagaal boqol shan iyo afartan: markaasuu Cismaan Cilmi dhintay, ama
meelahaas: Xasanwali).
33
Kaddib waan soo dheelmannay oo aan nimid Libaax Seexay, halkaasoo uu laba nee foo kale aan
ku qalannay. Guud ahaan wuxuu noo qalay lix neef: labada goor oo aan marnay iyo markuu
raggu u yimid.
Subaxa saddexaad waxaan ku noqonnay Xiin Garas, halkaasoo uu Cismaan Xasan Cadde hore
balanbalo uga dhisay qubuuraha geeskooda.
Halkaas shan jaamac oo Quraan ah ayaan ku akhrinnay, waana ducaysannay.
Waxaan kaloo siyaartay Shiikh la oran jiray Fiqi Idris oo uu dhashay Awrtable, oo ay saaxiib
ahaayeen Axmad Agoon Allaha u wada naxariistee. Nin Xaaji Yuus la yiraahdo oo Fiqi Idris
awoowe u yahay ayaa wuxuu u ciddiray Axmad Agoon uu ku leeyahay:
“ii soo dir wiil ilmaha Quraanka iigu dhiga.”
Markaasuu wuxuu usoo diray Macallin Axmad Agoon oo wiil yar ah oo Maxammad loo
yaqaanno. Xaaji Yuusuf wuxuu ku duugan yahay meesha la yiraahdo “Roox” oo Gaalkacyo ka
xigta xagga Qorrax dhac/Waqooyi. Xiriirkaa wuxuu noqday mid labadaas reer isku xira oo jira.
Kaddib waxaan u baxnay Buqda, waxaana halkaas ku haray Maxammad Axmad Dheere oo aqal
iyo xaas ku lahaa.
Culummadii Reer Cabdi Agoon halkaas ayay nooga hareen.
Markaasaan waxaan aadnay Higlood – looguna bixiyay inay leedahay geedka Higle la yiraahdo
– waxaana deggan Xuseen Cilmi Cismaan “Beerdare” oo nala socday, halkaasna guri ku leh aan
habeenkii seexannay.
Beerdare waa naga haray.
Markaasaan waxaan aadnay xagga badda, waxaanna tagnay Daharka Muuse Maxamuud Cilmi,
waana Cabdi Muuse aabihiis– Dahar waa guri afar gees leh oo qoryo laga sameeyey korkiisana
calaamad lagu aqoonsado la saaray. Dahartaas ayaan Jaamacyo ku akhrinnay.
Kaddibna waan baxnay oo aan tagnay Gawaanlay oo ay ku duugan yihiin:
*Xaylay Shirwac Cilmi Dayran oo dhashay:
1. Maxmad Cismaan Cilmi.
2. Nuur Cismaan Cilmi.
3. Xasan Cadde Cismaan Cilmi.
4. Sheekh Cumar Cismaan Cilmi.
5. Cali Cismaan Cilmi.
Waxaa isaguna halkaas ku duugan:
*. Gaagaab.
* Shiikh la yiraahdo Xuseen Cali oo Gacalow ah.
34
Kaddib waa soo baxnay oo soo galnay Laasooley oo dhawr iyo toban ilmo Maxamuud Cilmi ku
duugan yihiin. Waxaa kaloo halkaas ku duugan Qaasim Maxmad Cismaan Cilmi, oo ahaa nin
Dheer, qabrigiisuna sidaas u dheer yahay.
Waxaan u malaynayaa in Laasoolay loogu bixiyay inay halkaas ku yaallaan gadoon biyuhu
galaan oo ah meel Ilaahay ugu tala galay oo xareeddu fariisato. Gadoon waa dhagax godan oo
biyaha roobka ku celinaya haan mugged, ama fuusto mugged, oo dadka iyo xooluhuba ka
cabbaan.
Kaddib baddaan afka saarnay, waxaanna tagnay meel la yiraahdo Ina Xalane, waxaana ku
duugan Mahdi Darajanno Axmad Agoon, ahaana wali Ilaahay, isagaana halkaas loogu hor
duugay.
Kaddib waxaan usoo dheelmannay guriga Muxiyaddiin ee Libaax Seexay oo aan degnay.
Wiilkii waa fasaxnay, waxanna ku niri:
“Sideed beri kaddib noo soo noqo.”
Annaguna oodkac ayaan jarannay iyo wixii Xamar loo soo qaadan lahaa.
Wiilkii wuxuu noo yimid sideeda bisha Mawliid. Markaasaan baxnay oo aan tobanka Mawliid
Libaax Seexay subax kasoo guurnay, ahaydna maalin sabti oo aan duhurka ku tukannay Xiin
Garas, Quraanna ku akhrinnay, waxaanna u soconna Bari Fugle.
Kaddib waxaan aadnay Barifugle -agagaarka Hobyo, waxaana hore loo oran jiray af-fugle ama
wax la mid ah; fugle waa dhir ka baxda Burshaan oo ah ciidda tuuran oo badda xeebteeda kaa
xigta oo fug kasoo yiraahda. Kaddibna markii culummada halkaas lagu duugay ayaa loo bixiyay
Barifugle oo barida idaha siyaarada loo qalo daraadeed.
Kaddib Xiin Garas waa ka baxnay maalin sabti waxaanna habeenkii tagnay Daharka Uurey –
oo loogu magac daray nin Habar Gidir u dhashay oo Uurey la oran jiray oo ay Habargidir ku
abtirsato- oo ay culummo badan ku duugan yihiin, ayna ka mid yihiin:
*Shiikh Cismaan Cali Cilmi Axmad Agoon, iyo:
* Maxamuud Xasan Cadde Cismaan Cilmi iyo
* Cilmi Caagane Cismaan Cilmi.
Waxaan habeenkaas seexannay guriga Cabdi Shakuur Cali Cismaan, oo Uurey agtiisa ku yaalla,
oo aan lax ka qalannay.
Maalintii dambe, markuu duhurku qaboobay ayaan isku shubnay Barifugle. Shan neef ayaan
Barifugle ku qalannay intayan xoolaha siyaaradu imaan.
35
Waxaa jirta meel ay isugu yimaadaan oo ku akhriyaan boqol afar iyo toban (114) Yaasiin intayan
qubuuraha gaarin oo la oran jiray Fadhi Jaajaad (oo jaaji loogu magac daray dadka badda ka
kalluumaysta), markay culummadu degtayna loo bixiyay Fadhi Culummo.
Habeenkaas aan annagu qubuuraha joogno, culummaduna Fadhi Culummo, waa habeenkay soo
geleysa laba iyo tobanka Bisha Mawliid (ahna habeenkuu dhashay Nabi Muxmmad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam: Xasanwali). Waagu markuu baryay ayaa waxaa
soo galay xoolo aan ku qiyaasay boqol iyo konton neef oo ido ah oo ay ku jiraan saddex neef oo
keli ah oo riyo ah, awr iyo dameerro raran.
Inta qubuuraha joogtay Mawliid ayaan akhrinnay.
Bari Fugle waxaa ka dhisan laba masjid oo kale:
Kow. Masjidu Looboge.
Laba. Masjidu Maxammad Caagane.
Ciid ayaa qubuuraha qarisay, markaasay rag waxay soo qaateen tiirar ilaa toban mitir ah oo ay ka
taageen Axmad Agoon - qabrigiisa – madixiisa iyo lugihiisa, waxaana tiirarkaas ka taagay
Cismaan Xasan Cadde iyo rag uu watay afar sano ka hor, saan ku qiyaasayo.
Waxaa halkaas ku duugan:
Kow. Axmad Agoon.
Laba. Maxamuud Cilmi Axmad Agoon, oo curadkiisa ahaa.
Sadeex. Cali Cilmi Axmad Agoon.
Oo labadaan kore ee Maxamuud Cilmi Axmad Agoon iyo Cali Cilmi Axmad Agoon oo
Barifugle ku duugan iyo Axmad Sagaar Cilmi Axmad Agoon oo Haraanhur ku duugan iyo
Cismaan Cilmi Axmad Agoon oo Garacad ku duugan, waxaa afartaas la isku yiraahdaa “afartii
bah Saleebaan”.
Afar. Xasan Khalaf Macallin (oo Aadan Jaxaf aabihiis ah, ahana Aadan Jaxaf)
. Shiikhaal kaloo badan ayaa ayaguna halkaas ku duugan.
Waxaa halkaas noogu khudbeeyey Sheekh Xaajji Cabdu Allaahi Xaaji Cismaan Maxamuud
Cadde, oo hadda ka hor aan maqlay inuu aabihiis Xaaji Cismaan yiri:
“Anigoo laba iyo toban jir ayaan anigoo indhaha isku haya oo Qiblada u jeeda ayaan boqol iyo
afar iyo tobanka akhriyay, barri cajamna –uuna ka wado Soomaaliya – ku garan mayo nin aan
diin u doonto.”
Sheekh Cabdu Allaahi wuxuu yirina oo noogu khdubeeyey waxaa ka mid ahaa:
“Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬waxaa imam looga dhigay islaamkoo dhan, loobogena
ummadda soomaalida ayaa imam looga dhigay.”
36
Kaddibna maalinta khamiisaad ayaan Gaalkacyo dib ugu noqonnay ahaydna saddex iyo tobanka
bisha Mawliid, maalin jimcena ooy bisha Mawliid afar iyo toban ahaydna Xamar ayaan galnay.
Anigu ma gaarin waxaase la igu yiri inuu Cilmi Axmad Agoon ku duugan yahay meesha la
yiraahdo Burbaalle oo Xarardheere u dhow.
(Aniguna waxaan reerka ka dhex maqlay inay Murursade qalad u dileen oo ay isagoo khaymadda
dibaddeeda hurda waran geliyeen, ayagoo u malaynaya inuu yahay nin ay dilikiisa doonayeen:
Xasanwali).
Waxaa gabar reer Xarardheere ah ii sheegtay inuu meel Xarardheere u dhow ku duugan yahay
Maxammad Caagane, Allaha u naxariistee, oo ayagu ku ziyaartaan.
Xamar waxaan ziyaartay saddexda ilmo Cismaan Cilmi ah ee Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi,
iyo Aadan Dheere Cismaan Cilmi iyo Macallin Maxamuud Cismaan Cilmi oo ku wada duugan
qol ku dhex yaalla masjidka Aadan Dheere oo aan ka fogayn garoonka cayaaraha wayn ee
Muqdisho iyo skoolka Jeneraal Daauud, halkaasoo uu ku yaallo oo uu masjidka ku dheggan
yahay guriga Aadan Dheere, gurigaasoo uu ku dhintay.
Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi wuxuu ku duugnaa tan iyo kun sagaal boqol sagaal iyo kontonka
qabri aan halkaas ka fogayn oo Siinaay geeskeeda koofureed ah, waxaase laga soo bixiyay
markay dawladdu la wareegtay dhulkuu ku yiillay qabrigiisu ayna ka dhistay daarta la yiraahdo
“Xarunta Ubaxa Kacaanka”. Markaasaa laga soo bixiyay oo lagu duugay masjidka walaalkiis
Aadan Dheere. Dhulkaas uu ku duugnaa oo laga soo raray waxaa lahaa Xasanwali Sheekh
Xuseen Cismaan oo u gatay inuu masjid ka dhiso, waxaana ku yiillay Dugsi Quraan oo la
dumiyay. Ragga qabriga kasoo bixiyay waxay sheegeen inay hilbihiisu wali is haysteen, ku
dhowaad labaatan sano kaddib marka la duugay.
Macallin Maxamuud Cismaan Cilmi wuxuu dhintay oo masjidkaas lagu duugay mar hadda laba
sano laga joogo, Allaha dhammaantood u naxariistee.
Markaan Xamar nimid ayaan aniga iyo walaasha Xaliima Cali Cismaan waxaan u nimid
Cismaan Xasan Cadde “Cismaan Gooje” waxaanna ka codsannay oo uu noo guddoomiyay in
caruurta ilmo Cismaan Cilmi inta joogta la isu keeno oo la khatimo culummadaan soo
ziyaarannay. Markaasaa waxaa la akhriyay jaamacyo badan, lana ducaystay. Waxaan aad ugu
farxay waxay ahayd inaanan maalintaas ka hor arag ilmahay dhaleen ilmo Cismaan Cilmi oo
meel ku wada sugan.
Socdaalkaygu halkaas ayuu ku ekaa. Saddex beri ayaan Xamar joogay, kaddibna maalin arabaco
waa kasoo dhoofay oo aan Kanada dub ugu soo laabtay.
Waxaan rajaynayaa in sanad walbaba ruux naga mid ah inuu intaas soo wada maro, hadduu
Ilaahay qoro. Waxaan soo shegayna waxaan ku gafay Ilaahay ha iga cafiyo.
37
Caruurta Axmad Agoon
Axmad Agoon wuxuu dhalay toban sagaal, oo kala ah:
Kow. Darajanno Axmad Agoon, meeshuu ku duugan yahayna oo aan soo aragnay geedo ma laha
qabrigiisana waxaa ku yaalla geedka Surur la yiraahdo oo aan wax nafac ah lahayn.
Laba. Macallin Axmad Agoon, oo curadkiisa ah.
Saddex. Cilmi Axmad Agoon, oo isaga iyo Macallin ayaa caruurtiisa ugu farac badan.
Afar. Maxammad Axmad Agoon.
Shan. Yuusuf Axmad Agoon.
Lix. Xasan Axmad Agoon. Maxamad iyo Yuusuf iyo Xasan waa isku bah, waana bihni Rooble.
Toddoba. Caalin Axmad Agoon, “Caalin Wayne”.
Sideed. Caalin Yare Axmad Agoon.
Sagaal. Cabdi Axmad Agoon.
Gabdhihiisuna waxaan ka xusuustaa:
Kow.Xaawo Xoosh Axmad Agoon oo u dhashay Reer Bidaar oo Habargidir ah, kana sii ah
Sacad, uuna ka dhashay Cabdu Allaahi Ciisem Maxamuud Bidaar.
Caruurta Cilmi Axmad Agoon
Bah Saleebaan: bah Culummo Maxamuud
Kow. Maxamuud Cilmi Axmad Agoon.
Laba. Cali “Dalab” Cilmi Axmad Agoon.
Saddex. Cismaan “Dalab” Cilmi Axmad Agoon, wuuna dheeraa.
Afar. Axmad Sagaar Axmad Agoon oo yaraankooda ahaa.
.
Bah Axado oo Habargirdir ahayd, bihni Dayran, Reer Cilmi Dayran
Shan. Yuusuf Cilmi Axmad Agoon
Lix.Xuseen Cilmi Axmad Agoon.
Toddoba. Ciise Cilmi Axmad Agoon.
Sideed. Maxamad Cilmi Axmad Agoon.
Sagaal. Xasan “Kamas” Cilmi Axmad Agoon.
Bihni Habargidir oo Sacad kasii ah kale
Toban. Cabdulle Cilmi“Guudcad” Axmad Agoon.
Kow iyo toban. Cumar Cilmi “Dhegasacab” Axmad Agoon.
Laba iyo toban. Aadan “Haraa” Cilmi Axmad Agoon.
38
Saddex iyo toban. Jibriil, oo gabar reebay Xabiibo Jibriil, una dhashay Habargidir.
Afar iyo toban. Caalin Cilmi Axmad Agoon, oo gabar reebay la yiraahdo Yaryaro Caalin,
hooyadiisna waa Habargidir.
Gabdhaha Cilmi Axmad Agoon
Cilmi Axmad Agoon wuxuu dhalay laba iyo toban gabdhood.
Caruurta Cismaan Cilmi
Bihni Reer Shirwac oo Habargidir ahayd, Sacad ka sii ahayd
Cismaan Cilmi wuxuu dhalay kow iyo toban wiil iyo toban gabdhood, oo kala ah:
Kow. Maxammad Cismaan Cilmi, oo curadkiisa ahaa, koofaartiisuna tahay “Miriq” oo loogu
bixiyay inuu kululaa, oo hadduu mar yiraahdo “bi’i waynnay” aan hadalkiisa loo noqon jirin.
Laba. Xasan Cadde Cismaan Cilmi.
Saddex. Nuur Dhegey Cismaan Cilmi, looguna koofaaray inay isagoo geela aabihiis la jira ay
daraawiish ka dhacday, markaasuu daba galay oo intay xabbad ku rideen ayay darafta dhegta
kala tagtay. Intuu daba socday ayuu Cismaan Cilmi gabyay, gabaygiisana waxaa ka mid ahaa:
“Geel wax igama dhimeene Ilaahayow Cumar Cadde ma arki doonaa?”
Nuur Dhegey Cismaan Cilmi, oo isagoo wan wata ay daraawiish damacday inay ka qaadato,
markaasay xabbad ku rideen oo dhegtu ka raacday, markaasuu wankiisa si aan looga qaadan
gawracay.
Afar. Cali Cismaan “Cali Dhegdheer” iyo “Cali Bilig” Cismaan Cilmi oo fudaydkiisa iyo
dheereyntiisa loogu bixiyay, oo yaraankiisa ahaa.
Shan. Sheekh Cumar Cismaan Cilmi.
Bihni Dhagawayne oo Gacalow ahayd
Lix. Xuseen Cismaan Cilmi, “Qaalli Gar Dheere”.
Toddoba. Aadan “Dheere” Cismaan Cilmi.
Sideed. Cilmi “Caagane” Cismaan Cilmi.
Sagaal. Axmad “Dheere” Cismaan Cilmi, oo hooyadiis Cawrala Maxamuud oo ay Sacad tahay.
Toban. Yuusuf Cismaan Cilmi, oo dhallinyarannimo ku dhintay.
Kow iyo toban. Macallin Maxamuud Cismaan Cilmi oo intuu yaraa la oran jira “Qaboone
guntada”, hooyadiisna waa Saleebaan magaceeduna waa ina Cilmi Cosoble.
39
Gabdhaha Cismaan Cilmi
Kow. Faadumo Cismaan Cilmi, waxayna u baxday ilmo Warsame Dhegahore oo Cumar
Maxamuud ah Reer Mahad ka sii ah: marka hore Maxamuud Warsame, kaddibna walaalkiis
Cabdulle Warsame, waxayna dhashay ilmo Warsame “Dhegahore”, waxaana tarmay Maxamuud,
Cabdulle ma tarmin.
Laba. Xaawo Cismaan Cilmi. Dir ayay caruur u dhashay.
Saddex. Suuban Cismaan Cilmi., waxayna caruur u dhashay ilmo Cabdulle Ismaaciil oo
Habargidir ah, Sacadna kasii ah.
Afar. Timiro Cismaan Cilmi, waxayna dhashay ilmo Cali Maxamd Cabdi Agoon.
Shan. Raxmo Cismaan Cilmi. Wax ma dhalin, lamana guursan.
Lix. Caasha Cismaan Cilmi “Lugla’” oo marka la guuro rati la fuuliyo. Sinta yaa kala baxsanayd
waxayna u dhashay Macallin Cismaan Cabdi Xuseen oo Gacalow ah. Macallinkaan wuxuu hore
u guursaday oo furay sideed ama sagaal haween ah oo aan middoodna caruur u dhalin.
Markaasuu wuxuu ku riyooday ayadoo lagu leeyahay: “ilmahaaga shinbir garab jaban ayaa
sidda.” Markaasuu ayada soo doonay. Markuu bil ama wax sidaas ah qabay ayay tiri “ninkaan
ma qaadi karo ee ha la iga furo” oo ay ka tagtay. Markaas illaa ayaduna waa xaamilo uur leh oo
aan la ogayn. Markaasay wiil u dhashay Maxammad la yiraahdo oo macallin noqday, isaguna uu
dumar kale guursaday oo caruur badan u dhalatay.
Toddoba. Xaliimo Cismaan Cilmi. Waxay dhashay ilmo Xade oo Reer Biciidyahan ah, waxayna
u dhashay caruur ay ka mid yihiin Maxammad iyo Cabdi Nuur Xade iyo Xaawo Xade.
Sideed. Carabo Cismaan Cilmi. Waxay caruur u dhashay Yuusuf Lugoole oo Habargirdir ah,
waana Axmad Timir hooyadiis.
Sagaal. Maryan Cismaan Cilmi. Waxy u dhashay Reer Sgaar, ayna dhashay ilmo Saciid Sagaar.
Toban. Cawrala “Good” Cismaan Cilmi, waxayna u dhashay Abgaal, caruurta la yiraahdo ilmo
Siyaad Raage, aanno hubo wiil iyo laba gabdhood.
Caruurta Cali Cismaan Cilmi
Cali Cismaan Cilmi wuxuu dhalay lix wiil iyo toddoba gabdhood, oo laba bahood ah.
Kow. Maxaad Cali Cismaan, oo yaraan ku dhintay.
Laba. Cabdille Cali Cismaan, oo yaraan ku dhintay.
Saddex. Macallin Maxamuud Cali Cismaan, oo tarmay.
Afar. Xasan Khaliif Cali Cismaan, waana tarmay.
Shan. Cabdi Shakuur Cali Cismaan, waana tarmay.
Lix. Yaasiin Cali Cismaan oo aan waxba ka tegin.
Toddoba. Faadumo Cali Cismaan oo ugu waynayd, waxayna u dhashay Cumar Maxamuud
Caalin.
Sideed. Ruqiyo Cali Cismaan, oo ayadoo yar dhimatay.
40
Sagaal. Xaawo Cali Cismaan. Waxay u dhashay Maxamad Cilmi Shire oo Gacalow ah.
Toban. Xaliimo Cali Cismaan. Waxay u dhashay Reer Maxamuud Cilmi, waana Cabdi Muuse.
Kow iyo toban. Xabiibo Cali Cismaan. Waxay guursatay Gaaljecel iyo Wabeeneeye oo ay u
dhashay.
Laba iyo toban. Madiinah Cali Cismaan, waxayna caruur u dhashay ina Janna Gale Ibraahiim
Cabdulle Xasan “Kamas” “Osso Buuko.”
Laba iyo tobankaas waa isku hooyo, hooyadoodna waa Caasha Xuseen “Dabaalay”.
Laba iyo toban. Ardo Cali Cismaan oo bah gooni ah, hooyadeedna waxaa la yiraahdaa Cawrala
Axmad Guray oo u dhalatay Reer Axmad Nimcaale oo Sacad ah, waxayna u dhashay Reer
Maxamuud Cilmi.
Caruurta Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi
Bihni Maryan Maxamuud oo Marreexaan ah, kana sii ah Celi
Kow. Cabdu Allaahi Sheekh Xuseen Cismaan.
Laba. Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan.
Saddex. Cali “Xaashi” Sheekh Xuseen Cismaan
Afar. Faadumo Sheekh Xuseen Cismaan, waxayna u dhashay Xaaji Xuseen Aadan Macallin.
Shan. Ruqiyo Sheekh Xuseen Cismaan, oo guursatay marka hore Xawaadle, kaddib u dhashay
Cabdu Allaahi Ciise Maxamuud Bidaar oo Sacad ah Reer Nimcaalena ka sii ah.
Bihni Xalan Raaxo oo Reer Nimcaale ee Sacad ah
Lix. Cabda Al Rrashiid Sheekh Xuseen Cismaan.
Toddoba. Faadumo “Karuur” Sheekh Xuseen Cismaan, waxayna u dhashay Axmad Xasan
“Giudicino” oo Hadamo ah, Ogaadeenna u dhashay.
Bihni Xaliima Ciise Cali “Ciise Qadanle” oo Cumar Maxamuud ah, kana sii ah Reer Mahad
Sideed. Cabdu Al Kariim Sheekh Xuseen Cismaan “Angelo”.
Sagaal. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan.
Tobanl. Axmad Nuur Sheekh Xuseen Cismaan.
Kow iyo toban. Nuuriddiin Sheekh Xuseen Cismaan.
Laba iyo toban. Muriidi Sheekh Xuseen Cismaan, oo yaraanta ku dhintay.
Saddex iyo toban. Safiyah Sheekh Xuseen Cismaan, una dhashay Maxammad Maxamuud Aadan
Macallin “Catoosh”.
Afar iyo toban. Zahra Sheekh Xuseen Cismaan, una dhashay Cabdu Al Rraxmaan Jaamac Barre,
oo marrexaan ah, kana sii ah Reer Diini, Reer Kooshin.
Shan iyo toban. Canab Sheekh Xuseen Cismaan, Qudub guursatay aanse caruur dhalin.
41
Bah Dir
Lix iyo toban. Xaliima Sheekh Xuseen Cismaan, oo caruurtiisa ugu da’ wayn, waxayna u
dhashay Reer Biciidyahan, waxayna dhashay ilma Xade.
Toddoba iyo toban. Xaawo Sheekh Xuseen Cismaan, ahaydna da’da Xaliima ku xigtay, una
dhashay Sacad, Reer Nimcaale, waxayna dhashay ilmaha Maxammad Jaamac oo uu Cabdi Kaafi
ka mid yahay.
(Kaddib waxaa reerka dhexdiisa la iiga sheegay inuu magaca hooyadood ahaa Faadumo
Cismaan: Xasanwali)
Bah Raxanwayn
Sideed iyo toban. Luul Sheekh Xuseen Cismaan, hooyadeedna waxay ahayd qabiilka Eemad
(waana ku Axmad afka Raxanwaynta) ee Raxanwayn ka tirsan, wuxuuna ku guursaday Diinsoor
isagoo Qaalli ka ah, waxayna wiil u dhashay Cabdu Al Caziiz oo Cismaan Maxamuud u
dhashay.
Caruurta Maxammad Cismaan Cilmi
Bihni Xirsiyo Maxammad Xirsi, Habargidir ah Sacadna kasii ah
Kow. Qaasin Maxammad CismaanCilmi.
Laba. “Gaagaab” Maxammad CismaanCilmi, magaciisuna waa Maxamuud.
Saddex. Cawino Maxammad Cismaan, una dhashay Abgaal.
Bah Raxmo Cadde oo Gacalow ah
Afar. Carab Maxmmad Cismaan, magaciisuna waa Axmad.
Shan. Caasho Maxammad Cismaan, waxayna isku hooyo yihiin Carab, waxayna u dhashay
Cabdi Cali Kaah Yuusuf oo Reer Macallin ah.
Lix. Salaado Maxammad Cismaan, oo ay Carab isku hooyo yihiin, waxayna dhashay ilmo
Maxammad Shucayb
Bah Cawrala Axmad Guray Jibriil oo Sacad ah, kana sii ah Axmad Nimcaale
Toddoban. Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Cismaan,
Sideed. Cabdu Al Kariim Maxammad Cismaan.
Sagaal. Cali Nuur Maxammad Cismaan.
Toban. Xasan Mursal Maxammad Cismaan.
Kow iyo toban. Cabdille Maxammad Cismaan.
42
Laba iyo toban. Madiino Maxammad Cismaan, waxayna u dhashay Abshir Sheekh Cumar
Cismaan Cilmi.
Saddex iyo toban. Cabdu Allaahi Maxammad Cismaan, hooyadiisna waa Habargidir, kana sii ah
Sacad.
Caruurta Xasan Cadde Cismaan Cilmi
Bihni Guuleed
Kow. Maxammad Xasan Cadde Cismaan “Reebay Carrabay”.
Laba. Maxamuud “Cadde” Xasan Cadde Cismaan, wuxuu reebay wiil iyo gabar Reer Macallin
dad u dhashay.
Saddex. Khadiijo Xasan Cadde Cismaan, waxayna u dhashay Axmad “Boole Cilmi Cali oo Reer
Cali Cilmi Axmad Agoon ah.
Afar. Dahabo Xasan Cadde Cismaan, waxayna u dhashay Reer Caalin, waxayna dhashay ilmo
Xuseen Caalin Yare.
Bihni Suuban Geelle
Shan. Cismaan Xasan Cadde Cismaan.
Lix. Cali Xasan Cadde Cismaan, oo aan cirib reebin oo ceel ayaa ku dumay.
Toddoba. Saciid Madoobe Xasan Cadde Cismaan., waana tarmay.
Sideed. Yaasiin Xasan Cadde Cismaan oo aan cirib reebin.
Sagaal. Daahir Xasan Cadde Cismaan, waxna ma reebin oo isagoo sideed ama sagal jir ah ayaa
dhurwaa dhufsaday.
Toban. Yuusf Xasan Cadde Cismaan, oo isagoo yar ay aabihiis isku mar dhinteen.
Kow iyo toban. Xaliimo Xasan Cadde Cismaan, oo Habargidir u dhashay.
Laba iyo toban. Faadumo Xasan Cadde Cismaan, oo Xasan Dhalaal oo reer Cilmi ah u dhashay.
Caruurta Nuur Cismaan Cilmi
Bah Timiro Muxumad Dheere oo Samantar Caagane “Gacalow” ah
Kow. Maxammad “Biryar” Nuur Cismaan.
Laba. Cabdu Al Qaadir Nuur Cismaan.
Saddex. Xuseen Mataan Nuur Cismaan, oo wiilka mataankiisa ah wuu dhintay.
Afar. Cabdu Al Kariim Nuur Cismaan
Shan. Xaawo Nuur Cismaan, waxayna u dhashay Cali Mire Gaabac oo Cumar Maxamuud ah,
kana sii ah Reer Mahad.
43
Lix. Faadumo Nuur Cismaan, una dhashay Reer Dhagawayne, ahna Cilmi Shire oo ka dhintay,
uuna dumaalay walaalkiis Axmad Cismaan.
Toddoba.Xaliimo Nuur Cismaan, una dhashay Sheekh Xuseen Axmad Nuur oo ay isaga dhashay
Madiina Cilmi Axmad Agoon.
Sideed. Saciido Nuur Cismaan, una dhashay Saciid Xasan Cilmi Fagaas, ahna Habargidir kana
sii ah Sacad.
Bah Culumo, ahna ina Xuseen Cilmi Axmad Agoon
Sagaal Macallin Axmad Nuur Cismaan.
Toban. Cabdi Bayle Nuur Cismaan.
Kow iyo toban. Aadan Jalato Nuur Cismaan.
Laba iyo toban. Cumar Dheere Nuur Cismaan.
Saddex iyo toban. Cali Gurey “Mataan” Nuur Cismaan, oo mataan ahaa.”
Afar iyo toban. Xabiibo Nuur Cismaan, una dhashay Abgaal.
Shan iyo toban. Madiino Nuur Cismaan, una dhashay Maxammad Sheekh Cabdi oo Fiqi
Cismaan ah.
Lix iyo toban. Xaliimo Nuur Cismaan, oo aan cirib reebin.
Caruurta Sheekh Cumar Cismaan Cilmi
Kow Bashiir Sheekh Cumar Cismaan. Waa bah gooni, waxayna isku hooyo yihiin:
Laba. Xaawo Sheekh Cumar Cismaan, una dhashay Maxamuud Cabdille Cismaan oo Sacad ah.
Bihni Dahabo Maxammad Shirwac
Saddex. Saciid Sheekh Cumar Cismaan.
Afar. Abshir Sheekh Cumar Cismaan.
Shan. Cabdu Al Rrizzaaq Sheekh Cumar Cismaan.
Lix. Cibaado Sheekh Cumar Cismaan, waxayna u baxday Qudub.
Toddoba. Caasho Sheekh Cumar Cismaan, waxayna u dhashay Sheekh Aadan oo Habargidir ah,
kana sii ah Saruur.
Sideed. Xaliimo Sheekh Cumar Cismaan,, waxayna u dhashay Saciid Cilmi Cali “Reer Boole.”
Caruurta Aadan Dheere Cismaan Cilmi
Kow. Maxammad Aadan Dheere Cismaan, hooyadiisna waa Sacad magaceeduna waa Xaliimo
Sheekh Axmad.
Laba. Faadumo Aadan Dheere Cismaan, waxayna dhashay ilmo Cumar Axmad Cadde oo Reer
“Caalin Wayne” ah.
44
Saddex. Saciido Aadan Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Cabdi Gafle oo Gacalow ah, waana
ummul raacday.
Afar. Caasha Adan Dheere Cismaan, oo Cabdi Gafle ayaa lagu xiskiimay.
Shan. Xaawo Aadan Dheere Cismaan, waa nooshahay waxna ma dhalin.
Bah Cawrala Cismaan Dhegawayne oo Gacalow ah
Lix. Axmad Nuur Aadan Dheere Cismaan.
Toddoba. Yaasiin Aadan Dheere Cismaan.
Sideed. Bashiir Adan Dheere Cismaan.
Sagaal. Cabdu Al Rraxmaan Aadan Dheere Cismaan.
Bah Caasha Sheekh Doon oo Sacad ah, kana sii Cabdulle
Toban. Cali Aadan Dheere Cismaan.
Kow iyo toban. Cabdi Nuur Aadan Dheere Cismaan.
Laba iyo toba. Maxammad Aadan Dheere Cismaan “Shaarkay”.
Saddex iyo toban. Abuukar Aadan Dheere Cismaan.
Afar iyo toban. Cismaan Aadan Dheere Cismaan.
Shan iyo toban. Xaliimo Aadan Dheere Cismaan, una dhashay ina Macallin Maxamuud
Cismaan.
Lix iyo toban. Cabdu Al Ssalaam Aadan Dheere Cismaan, hooyadiisna waa Abgaal.
Toddoba iyo toban. Xaliimo Aadan Dheere Cismaan, waxayna u dhashay ina Calooley Cilmi
Caagane “Cali Talyaani”.
Sideed iyo toban. Abshiro Adan Dheere Cismaan, hooyadadeedna waa Dhuuxey Cilmi Calas oo
Habargidir ah, Sacadna ka sii ah, waxayna u dhashay Dhulbahante.
Sagaal iyo toban. Maryan Aadan Dheere Cismaan, ayna dhashay Cawrala Dhegaweyne,
waxayna u dhashay Qudub.
Labaatan. Faadumo Aadan Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Abgaal.
Caruurta Axmad Dheere Cismaan Cilmi
Bah Timiro Cawaale , una dhalatay Habargidir, kana sii ah Saleebaan
Kow. Maxammad Axmad Dheere Cismaan.
Laba. Cilmi Axmad Dheere Cismaan.
Saddex. Faadumo “Abshiro” Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Cabdi Al Rraxmaan
Cabdille oo Sacad ah, kana sii ah Reer Nimcaale.
45
Afar. Xaawo Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Cabdi Kooreeye oo Majeerteen ah,
una dhashay ilmo Cabdi Kooreeye.
Shan. Xaliimo Xooshey Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Habargidir, kana sii ah
Sacad.
Lix. Caasha Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Habargidir.
Bah Maryan Sagaar Cilmi Axmad Agoon
Toddoba. Maxamuud Axmad Dheere Cismaan.
Sideed. Xuseen Axmad Dheere Cismaan.
Sagaal. Cabdu Al Kariim Axmad Dheere Cismaan.
Toban. Cabdu Al Rraxmaan Axmad Dheere Cismaan.
Kow iyo toban. Cismaan Axmad Dheere Cismaan.
Laba iyo toban. Cibaado Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Abshir Mubaarak ee Reer
Xuseen Cilmi.
Saddex iyo toban. Saciido Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Cabdille Maxammad
Cismaan.
Afar iyo toban. Xabiibo Axmad Dheere Cismaan, waxayna u dhashay Cali Gurey Nuur Cismaan.
Caruurta Macallin Maxamuud Cismaan Cilmi
Bahda Caasha Xuseen Caalin Yare oo ka dhimatay laguna xiskiimay Walaasheed Xaawo
Kow. Maxammad “Baasto” Macallin Maxamuud Cismaan.
Laba. Cabdu Al Rrashiid Macallin Maxamuud Cismaan.
Saddex. Cabdu Al Qaadir Macallin Maxamuud Cismaan.
Afar. Cali Macallin Maxamuud Cismaan.
Shan. Daahir Macallin Maxamuud Cismaan.
Lix. Bashiir Macallin Maxamuud Cismaan.
Toddoba. Salaado Macallin Maxamuud Cismaan oo bah gooni ah, una dhashay Cumar oo Reer
Diini Xasan ee Tolweyne ah.
Sideed. Karuur Macallin Maxamuud Cismaan, oo Qudub u dhaxday.
Sagaal. Zahra Macallin Maxamuud Cismaan, oo ina Cismaan Xasan Cadde u dhaxda.
Caruurta Cilmi Caagane Cismaan Cilmi
Dhammaantood waa hal bah iyo isku hooyo, waxaana dhashay Axado Guure oo Habargidir ah,
Sacadna kasii ah.
Kow. Maxammad “Calooley” Cilmi Caagane Cismaan.
46
Laba. Maxamuud “iley” Cilmi Caagane Cismaan.
Saddex. Xasan “Dacal” Cilmi Caagane Cismaan, oo wuxuu lahaa dhego waawayn oo laadlaada.
Afar. Cali Gummad Cilmi Caagane Cismaan, waxaana kaloo la yiraahdaa “Cali orfano”
Shan. Xuseen “Beerdare” Cilmi Caagane Cismaan. Sagaaraduu ugaarsan jiray.
Lix. Cabdu Allaahi “Tashade” Cilmi Caagane Cismaan, waxaana “Tashade” u bixisay Xaliimo
Cismaan Cilmi oo aragtay markuu yaraa intuu kaligiis meel fariisto ayuu fakari jiray. Cirib ma
reebin.
Toddoba. Cismaan “Giir” Cilmi Caagane Cismaan, “Giir” loogu bixiyay inuu caddaa oo uu
aabihiis Cilmi Caagane u ekaa, walaalihiisna waxay raaceen Sacadka oo ay madmdoobaayeen.
Sideed. Xaliimo “Farow” Cilmi Caagane Cismaan, Isaaq ayay gabar u dhashay, kaddibna ay
dhashay ilma Xasan Kamas, ayna ka mkid tahay midduu Harqaanle qabo.
Sagaal. Faadumo Cilmi Caagane Cismaan, caruur ayayna dhashay.
Intaasuu ku egyahay intay ii yeerisay walaashay Madiina Cali Cismaan Cilmi, dambigeeda
Allaha dhaafee. Xaajiyo Madiinah Cali Cismaan waxay deggan tahay magaalada Toronto ee
arliga Kanada, halkaasoo ay dumarkana ku barto diinta.
47
48
Shiikhaal
Abtirsiga Shiikhaal waa sidatan:
‫الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه تيم بن فقيه‬
‫إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه مرة بن فقيه‬
‫زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن عثمان بن‬
‫عامر بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن‬
.‫مدركة بن إلياس بن مضر بن نزار بن معد بن عدنان‬
"faqiih Cumar bin Shams (Al Ddiini) bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu
faqiih Yuusuf bin Faqiih Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin
faqiih Ismaaciil bin faqiih Ciisaa bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin
faqiih Ciisaa bin faqiih Murrah bin faqiih Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin
Muxammad bin Cabdu Allaahi oo koofaartiisu tahay Ibnu Abii Catiiq bin Muxammad, oo
koofaartisu tahay Abuu Catiiq Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu Abuu Bakar, oo
Abuu Bakar waa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr
bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah ninka
Quraysh la yiraahdo. Muurah waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowaha lixaad. Fihr waa ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin
Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macadd bin Cadnaan.
Abuu Bakar Al Siddiiqu‫ أبوبكرالصديق‬waa aabaheen
Abuu Bakr Al Siddiiqu‫أبوبكرالصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, waa aabaha dhalay Shiikhaal, oo
sidaasuu anigana aabahay ku yahay.
Dadka Shiikhaal la yiraahdo horena "mashaayikh‫ "مشايخ‬loo oran jiray waa afar, waxayna kala
yihiin:
(Kow) Looboge, oo magaciisuna yahay Axmad\‫أحمد‬, ayna ka farcantay Shiikhaal Looboge,
wuxuuna ku duugan yahay meel degmada Sheekh ee waqooyiga Soomaaliya ilaa dhawr
kiiloomitir u jirta, halkaasoo lagu soo siyaarto sanad walba oo loo Alle baryo, isagaana curadka
ah, iyo
(Labo) Khudhub\‫قطب‬, oo magaciisu yahay Cumar\‫عمر‬, ayna ka farcantay Shiikhaasha Khudhub,
oo Khudhub macneheedu waa Xiddig cirka ku yaalla oo aan dhaqdhaqaaqin oo lagu hanuuno
iyo hoggaamiye. Qudhub wuxuu ku duugan yahay degmada Sheekh ee Burco iyo Barbara u
dhexeysa, isaga daraadiis ayaana magacaas loogu bixiyey oo loogu magac daray, iyo
(Saddex) Calii\‫ علي‬iyo
(Afar) Cuthmaan‫ عثمان‬oo Gandarshe ah.
Axmad\‫ أحمد‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Calii‫ علي‬waxaa dhashay gabar Quraysh\‫ قريش‬ah oo reer Banii
Haashim\‫ بني هاشم‬u dhalatay ahna ubadka Al Xasan bin Faadhimah\‫الحسن بن فاطمة‬, gabadha
49
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, ahna gabadha uu dhalay Yuusuf Al
Kawnayn\‫يوسف الكونين‬, lana yiraahdo oo kale Aw Barkhadle.
Gabadhaas magaceedu waa, siduu Duceeye igu yiri Faadhimah Al Sacdiyyah \‫ فاطمة السعدية‬ama
Shariifah Al Mahdiyyah\‫الشريفة المهدية‬. Magac kalena waa lagu sheegay runtana Rabbi ayaa og.
Yuusuf Al Kawnayn‫ يوسف الكونين‬waa sheekha hindisay sida Quraanka Soomaalida loo baro oo
loo hingaadiyo oo ah Alif la kordhebey, alif la hoos dhebey alif laa goday.
Aw Barkhadle, wuxuu ku duugan yahay barta magacaas leh oo u dhexeysa Hargeysa iyo
Barbara. Gabdhaas waxay kaloo dhashay wiil la yiraahdo Wacays, ayna ka farcameen reerka la
yiraahdo reer Wacays ee qabiilka Habar Awwal ee Isaaq ka midka ah. Sidaas ayay Shikhaal iyo
reer Wacays walaalo u yihiin ayagoo ay isku hooyo dhashay.
Maxammad Xaaji Xasan “Sheeko Xariir”
Inay sidaas tahayna, waxaa shir noogu sheegay Maxammad Xaaji Xuseen oo loo yiqiin “Sheeko
Xariir”, Allaahu u naxariistee, sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo toddobaatanka ama
sideed iyo toddobaatanka intuu socday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia, dagalka
loo yiqiinna toddoba iyo toddobaatanka. Ragga goobtaas joogay waxaa ka mid ahaa Axmad Aw
Muuse oo “Duceeye” loo yaqaanno, iyo Yuusuf Cabdulle Faarax oo “Lo'jir” loo yaqaanno iyo
walaalkay Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi. Meeshuna waxay ahayd Muqdisho. Raggaas
intiisa kalena waa shiikhaasha reer Aw Khudhub.
Waxaa kaloo ii sii sugay, waa walaalnimada shiikhaal iyo reer Wacays, inuu aniga lafteyda
xafiiskaan ka fariisan jiray Xarunta Muqdisho ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
uu iigu yimid nin isugu key sheegay inuu walaalkey yahay, isla markaasna uu yahay Suldaanka
Reer Wacays ee Habar Awwal. Markaan wada hadalkeenna dhammaysannayna, Suldaankaas
xafiiska ayaan kala soo baxay waxaanna u wada nimid walaalkay Danjire Dr. Axmad Nuur
Aadan Ciusmaan, oo isaguna xafiis isla Wasaaraddaas ka fariisan jiray. Markaasaan waxaan
Suldaankaas ka codsaday inuu hadalkuu ii sheegay uu walaalkeen Axmadna u sheego. Sidaas
ayuuna yeelay. Kulankaasi wuxuu ka dhacay dhammaadka sanadka kun iyo sagaal boqol iyo
sagaal iyo sideetanka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Wiilka afaraad ee Shikhaashu ka farcantayna waa Cuthmaan \‫عثمان‬, waxaana ka farcamay
Shiikhaasha Gandarshe oo Muqdisho agagaarkeeda dega iyo degmada Gandarshe iyo
koofurteedaba, hooyadiisna waxay ahayd Carabiyad reer Yaman\‫ يمن‬u dhalatay.
Aabaha Shiikhaal dhalay wuxuu ahaa Amiirka Dawladda ama Imraada Harar ama Awdal,
magaciisuna waa Cumar\‫عمر‬, soomaaliduna waxay u taqaannaa Fiqi Cumar. Harara waxaa looga
yaqaanna Abaadir, ahna wadaadka Diinta Islaamkana xoojiyey oo ay ka barakaystaan.
Abtirsiga Fiqi Cumar waxaan kasoo qaatay kitaabka uu allifay Sheekh Cabdu Allaahi bin
Mucallim Yuusuf Al Qudhbii Al Qaadirii, loona yaqaanno Sheekh Cabdu Allaahi Qudhbii.
Kitaabkiisuna wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo kala ah: (Kow) Caqiidatu ahlu al
Sunnati wa al Jamaacah\‫عقيدة أهل السنة والجماعة‬, (Labo) Siraaju al thilaami fii silsilati al saadati al
kiraami\‫سراج الظالم في سلسلة السادة الكرام‬, (Saddex) Taxthiiraatin baliighatin tusammaa bi al sikkiin
50
al thaabixati calaa al kilaabi al naabixati\‫( تحذيرات بليغة تسمى بالسكين الذبيحة على الكالب النابحة‬oo uu ku
gawracayo kuwa la yiraahdo wahaabiyiinta, oo uu eeyo ku magacaabay), (Afar) Nasru al
mu'miniina calaa al maradati al mulxidiina maca baqiyati axkaami al diini ‫نصر المؤمنين على المردة‬
\‫الملحدين مع بقية أحكام الدين‬, (Shan) Aniisatu al caashiqiina fii tathkirati al muxibbina ‫أنيسة العاشقين في‬
\‫تذكرة المحبين‬.
Kitaabkaas waxaa daabacay Al Shaykh Faqiih bin Shaykh Muxammad Abii Bakr Al Qaadirii
iskana lahaa maktabada Maktabatu Al Islaamiyyah\‫مكتبة اإلسالمية‬, oo lahayd Sanduuqa Boostada
ee boqol iyo shan iyo sideetan ee Muqdisho, Somalia, wuxuuna ku daabacay Madbacadda
Madhbacatu Al Mash-hadu Al Husaynii\‫ مطبعة مشهد الحسيني‬ee lahayd Sanduuqa Boostada ee
boqol iyo toddoba iyo soddon ee Al Ghawriya\‫الغورية‬, Al Qaahirah\‫ القاهرة‬ee dalka Masar\‫ مصر‬.
Abtirsigiisaas iyo kutubbadiisaba waxa isaguna xusay ninka qoraaga talyaaniga ah oo Dawladda
gumeysiga ee talyaaniga Soomaaliya wakiil uga ahaan jiray zamanka ay ahayd mustacmarad
talyaani ee la yiraahdo Enrico Cerulli, kuna xusay kitaabkiisa Somalia: storia della Somalia,
l'islam in Somalia, il libro dei zenji, mujalladka koowaad bogagga boqol iyo sagaal iyo sideetan
iyo boqol iyo toddoba iyo sagaashan.
Sheekhu wuxuu bogga toddobaad ee Al Majmuucah Al Mubaarakah\‫ المجموعة المباركة‬ku yiri:
‫"(هذه) رسالة صغيرة ودرر غزيرة تتعلق بنسب جدي الشيخ األجل والقطب األكمل (عمر بن عمر) المشهور باوقطب رضي‬
‫هللا تعالى عنه والتقطتها من سراج الوقاد على سلسلة نسب الشيخ (عمر زياد) هو جدي أيضا جمعه الشيخ (عبد القادر) بن‬
‫حاج علي وهو ال ولي المكاشف المشهور (وهو) نقل ترتيب ذلك النسب عن الشيخ الجليل والفطن النبيل الجامع بين المعقول‬
‫والمنقول (عبد هللا) بن علي القطبي القادري المشهور بحاج جامع قدس هللا سره (ومن) عمدة التحقيق في بشائر آل الصديق‬
‫تأليف العالم األوحد والعلم المفرد الشيخ (إبراهيم) العبيدي المالكي تغمده هللا برحمته (ومن) غيرهما مما فتحه لي المنان‬
‫(وسميتها) احل ى الثمر في نسب الشيخ (عمر بن عمر) والحقتها بكتابي المسمى بنصر المؤمنين لئال يفسد نظام هذا النسب‬
".‫على غفلة الجهال وتحذيرا من انكار اهل النكال‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Kanu waa kitaab yar iyo xabbado luul ah oo badan ka kooban, kuna saabsan nasabka
awoowahayga wayn iyo xiddigga kaamilka ah Cumar bin Cumar, loona yaqaanno Aw Qudub
Allaha Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬raalli ka noqdee. Nasabkaasna waxaan kasoo qaatay kitaabka la
yiraahdo “Siraaju Al Waqaadi Calaa Silsilati Nasabi Al Shaykh Cumar Ziyaad ‫سراج الوقاد على‬
)‫”سلسلة نسب الشيخ (عمر زياد‬, isaguna awoowahay ah. Nasabkaasna waxaa uruuriyay Al Shaykh
Cabdu Al Qaadir bin Xaaji Cali oo ah wali wax arka oo can ah. Isaguna wuxuu kasoo guuriyay
nasabkaan sidaan uu u yahay shiikha wayn oo gobta ah fahmadana badan oo isku keenay waxa
caqliga gala iyo waxa la wariyayba oo lasoo guuriyay, Cabdu Allaahi bin Cali Al Qudhbii Al
Qaadirii, kuna magac dheer Xaaji Jaamac, Ilaahay sirtiisa ha daahiriyee. Waxaan kaloo kasoo
guuriyay kitaabka “Cumdatu Al Taxqiiqi Fii Bashaa’iri Aali Al Ssiddiiq ‫عمدة التحقيق في بشائر آل‬
‫ ”الصديق‬uuna dhigay caalinka isagoo kale uusan jirin, cilmigana kaligiis ku noqday Al Shaykh
Ibraahiim Al Cubaydii Al Maalikii‫ الشيخ (إبراهيم) العبيدي المالكي‬, Ilaahay raxmadiisa ha huwiyee,
iyo labadaas kitaab ghayrkoodba, intuu Ilaahay Al Mannaanu i siiyay. Waxaanna ku magacaabay
“Axlaa al Thamari fii Nasabi Al Shaykh Cumar bin Cumar)‫ ” احلى الثمر في نسب الشيخ (عمر بن عمر‬oo
ah ”Miraha ugu macaan ee nasabka Al Shaykh Cumar bin Cumar”, waxaanna raaciyay oo ku
daray kitaabkayga magaciisu yahay “Nasru Al Mu’miniina‫ ” نصر المؤمنين‬si uusan xiriirka
nasabkaan u fasaadin warmoogidda kuwa jaahiliinta ah, iyo ka digtoonaan inkiraadda nasabkaas
ee kuwa wax diida oo wax dhiba.” Waa intaas warkiisu
51
Sheekhu wuxuu bogga labo iyo tobnaad ee qaybta afaraad ku wariyay abtirsiga Fiqi Cumar iyo
isaga laftiisa abtirsigiisa, wuxuuna yiri:
‫الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه تيم بن فقيه‬
‫إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه مرة بن فقيه‬
‫زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن عثمان بن‬
‫عامر بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن‬
.‫مدركة بن إلياس بن مضر بن نزار بن معد بن عدنان‬
"faqiih Cumar bin Shams bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu faqiih Yuusuf bin Faqiih
Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin faqiih Ismaaciil bin faqiih Ciisaa
bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin faqiih Ciisaa bin faqiih Murrah bin faqiih
Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin Muxammad bin Cabdu Allaahi oo koofaartiisu tahay Ibnu
Abii Catiiq bin Muxammad, oo koofaartisu tahay Abuu Catiiq Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al
Siddiiqu Abuu Bakar, oo Abuu Bakar waa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin
Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah
ninka Quraysh la yiraahdo. Muurah waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowaha lixaad. Fihr waa ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin
Mudar bin Nizaar bin Macadd bin Cadnaan. Waa intaas warka sheekhu.
Burton
Burton wuxuu mujalladka koowaad bogga boqol iyo labo iyo sagaashan ku yiri:
"The other inhabitants of these hills (From Marar Prairie to Harar) are the Gallas and the Somali
clans of Bartire, Bursuk, Shaykhaash, Hawiyah, Usbayhan, Marrehan and Abasgul."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Dadka kale oo buuraaleydaan deggan waa Galla iyo qabaa'ilka soomaaliyeed ee Bartire,
Bursuk, Shaykhaasha, Hawiye, Usbahayn, Marreexaan iyo Abasguul."
Wuxuuna ka hadlayaa buuraaleyda aaggaas ilaa Harar.
Burton wuxuu bogga boqol iyo saddex iyo sagaashan ku yiri:
"The Shaykhaash, or "Reverend" as the term means, are the only somal of the mountains not
derived from Dir and Daraud. Claiming descent from the Caliph Abu Bakr, they assert that ten
generations ago, one Ao Khtub bin Fakih Umar crossed over from Al-Hijaz, and settled in
eastern Africa with his six sons, Umar the elder, Umar the younger, two Abdillaahs, Ahmad iyo
lastly Siddik. This priestly tribe is dispersed, like that of Levi, amongst its bretehern, and has
spread from Efat to Ogadayn. Its principal sub-families are Ao Umar the elder, and bah Dumma,
the junior branch."
52
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Shiikhaasha ahna "Reverend" oo ah "kuwa xushamada sare mudan oo la jecel yahay", waa
soomaalida keli ah oo buuraha degta oo aan ka farcamin oo aan ku abtirsan Dir iyo Daarood
midna, oo waxay leeyihiin inay yihiin dhasha Al Khaliifah Abuu Bakr\‫الخليفة أبوبكر‬.
Shiikhaashu waxay sugayaan si hubaal ah in toban fac ka hor nin la yiraahdo Aw Qudhub bin
Faqiih Cumar\‫ القطب بن فقيه عمر‬uu kasoo tillaabay arliga Xijaaz\‫الحجاز‬, (isagoo Badda Cas soo
gooyey) oo uu degay Bariga Afrika isagoo ay la socdaan lixdiisa wiil, oo kala ah: (Kow) Cumar
Al Akbar\‫عمر األكبر‬, oo ah Cumarka\‫ عمر‬da'da wayn, (Labo) Cumar Al Asghar\‫عمر األصغر‬, ahna
Cumarka\‫ عمر‬da'da yar, (Saddex iyo Afar) Labada Cabdu Allaahi \‫عبد هللا‬, (Shan) Axmad\‫ أحمد‬iyo
ugu dambeyntii (Lix) Siddiiq\‫صديق‬.
Qabiilkaan wadaada ahi waxay ku dhex firirsan yihiin walaalohood, siday qabiilka Laawii \‫الوي‬
oo kale (waana qabiilka reer Banii Israa'iil\‫ بني إسرائيل‬ee Laawii bin Yacquub\‫الوي بن يعقوب‬, ka
farcamay, ayna ka dhasheen Nabi Muuse iyo walaalkiis Nabi Haaruun Calayhimussalaamu, iyo
Anbiyada reer Banii Israa'iil\‫ بني إسرائيل‬in badan oo ka mid ah), waxayna ku faafeen inta u
dhexeysa boqortooyada Ifaat\‫ إفات‬ilaa Ogaadenya.
Jilbaha Shiikhaasha ugu waaweynna waa Aw Cumarka Wayn iyo Bah Dumma, Kan yar, jilibka
yar."
Burton wuxuu mujalladka labaad bogga afar iyo tobnaad ku yiri:
"The principal saint buried in the city is Shaykh Umar Abadir al-Bakri, originally from Jeddah,
and now the patron of Harar: he lies under a little dome in the southern quarter of the city, near
Bisidimo Gate."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Wadaadka ugu wayn ee magaalada ku duugan, waana magaalada Harar, waa Shiikh Cumar
Abaadir Al Bakrii\‫الشيخ عمر أبادر البكري‬, asalkiisana Jeddah\‫ جدة‬ka yimid, hadana ah wadaadka
ama sheekha Harar. Shiikh Cumar\‫ ألشيخ عمر‬wuxuu ku duugan yahay qubbo yar hoosteeda,
xaafadda koofureed ee magaalada, albaabka Bisidimo Gate, o ah Baabu Al Salaamu \‫باب السالم‬
agtiisa."
I. M. Lewis
I. M. Lewis, oo ingiriis u dhashay, wuxuu dhigay kun iyo sagaal boqol iyo shan iyo konton iyo
lix iyo konton risaalada ama maqaalada cinwaankeedu yahay: "Islamism in Somaliland: A Study
in Tribal Islam", laguna daabacay Bulletin of the School of Oriental Studies mujalladka toddoba
iyo toban bogagga shan boqol iyo kow iyo sideetan ilaa lix boqol iyo labo; mujalladka sideed iyo
53
tobnaad bogagga boqol iyo shan iyo afartan ilaa boqol iyo lixdan, wuxuuna bogga shan boqol iyo
shan iyo sagaashan ku yiri:
"Perhaps the most important of Somali Suufi literature is a collection of works by Haajji
'Abdullaahi Yuusuf under the title al-majmuu'at al-mubaaraka. Haajji 'Abullaahi of the Qadiriya
Tariiqa was a member of a group of sheiks (known as Asheraf), attached to the Majeerteen tribes
of the Daarood tribal family; his work is analysed by Cerulli (1923, pp. 13-4, 22-5)".
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Waxa ugu muhimsan ee waxa laga dhigay suufiyiinta waa kutubbada uu dhigay Xaajji Cabdu
Allaahi Yuusuf\‫ الحاج عبد هللا يوسف‬oo lagu daabacay cinwaanka Al Majmuucah Al Mubaarakah
\‫المجموعة المباركة‬. Xaajji Cabdu Allaahi‫ الحاج عبد هللا‬oo raacsan dariiqada Qaadiriyada wuxuu u
dhashay koox shiikhyo ah, loona yaqaan Asharaaf\‫أشراف‬, kuna lammaansan qabaa'ilka
Majeerteen ee Daroodka ka tirsan." Waa intaas warka Lewis.
Wadaadkaan uu Lewis ka hadlayo waa Al Qudhbu Al Waasil Al Sheekh Cabdu Allaahi bin
Mucallim Yuusuf Al Qudhbii, Al Qaadirii\‫القطب الواصل الشيخ عبد هللا بن معلم يوسف القطبي القادري‬, oo
Jigjiga degganaa loona yaqaanno Shiikh Cabdu Allaahi Qudhbi, Allaha u naxariistee,
dambigiisana dhaafee, isga iyo annagaba.
Nafaqada kitaabkiisaas lagu daabacayna waxaa bixiyey Al Shaykh Faqiih bin Shaykh
Muxammad Abii Bakr Al Qaadirii\‫الشيخ فقيه بن شيخ محمد أبي بكر القادري‬, lahaana Al Maktabah Al
Islaamiyyah\‫المكتبة اإلسالمية‬, Sanduuqa Boostada boqol iyo shan iyo sideetan Muqdishuu,
Soomaaliya, Allaha dambigiisa dhaafee, waxaana lagu daabacay Madhbacatu Al Msh-hadu Al
Xusaynii\‫مطبعة المشهد الحسيني‬, Al Qaahirah\‫القاهرة‬, Masar\‫مصر‬. Aniga aabahay, Allaha u
naxariistee, Qaalli Shiikh Xusayn Cuthmaan, loona yiqiinnay 'Qaalli Gardheere" iyo Shiikh
Cabdu Allaahi Qudhbi, Allaha u wada naxariistee, waxay lahaayeen xiriir iyo qoraallo is
dhaafsiba.
Qabaa'ilka Diinta fidiya
I.M. Lewis wuxuu kitabkiisa “Pastoral Democracy” bogga laba boqol iyo afar iyo labaatan ku
yiri:
"Religious lineages are of two types; one group consists of those of Somali descent which belong
to the various Somali clan-families. The other priestly lineages trace descent outside the field of
Somali clanship directly to Arabia.…Typical of the second group are the Sheikhaash (or
Sheikhaal) who are very numerous and widely distributed in Somaliland. The largest segment,
itself widely dispersed, is the Reer Fiqi 'Umar, of whom the Reer Sheikh Aw Qutub are an
important branch in the Ogaden. The Reer Fiqi 'Umar as a whole trace descent from Khalif
54
Abuu Bakr as-Siddiiq, the first of the orthodox Caliphs elected to succed the Prophet in 632
A.D."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Qabaa'ilka diinta ku abtirsada oo loo yaqaanno waa laba nooc: kooxi waxay ka kooban tahay
dadka soomaalida ku abtirsada, kana tirsan qabaa'il soomaali ah. Kooxda kale ee wadaadu
abtirsigoodu waa ka baxsan yahay kan soomaalida wuxuuna si toos ah u galaa Carabta.
Namuunadda laga soo qaadan karo kooxdaan labaadi waa Shiikhaasha (ama Shiikhaal) oo aad u
tiro badan aadna ugu faafsan Somaliya. Qaybta ugu weyn, oo ayada lafteedu aad u faafsan, waa
Reer Fiqi Cumar, oo ay Reer Aw Qudhub laan muhim ah ka yihiin degana Ogaadeenya. Reer
Fiqi Cumar dhammaantood waxay ku abtirsadaan oo ay dhashiisa yihiin Al Khaliifah Abuu Bakr
Al Siddiiq\‫الخليفة أبوبكر الصديق‬, oo ah kan ugu horreeyey ee Khulafaa'u Al Raashidiina ‫الخلفاء‬
\‫الراشدين‬, oo loo doortay inuu ku xigo Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam sanadka lix boqol
iyo labo iyo soddon."
I. M. Lewis markuu ka hadlay qabaa'il fara badan oo wadaaddo ah oo Hawiyah, Daaroodka iyo
Isaaqa la degay, kuna dhex milmay oo kaba mid noqday, aanse nasab iyo dhiig la wadaagin,
shaqadooduna ay ahayd inay Quraanka iyo Sunnada iyo Dinta Islaamka baraan, ahaana
macallimiinta Dugsiyada Quraanka lagu barto, imaamyada masaajidyada, qaalliyada, ayuu
wuxuu hadana bogga shan boqol iyo lix iyo sagaashan ku yiri:
"A similar dispersed sheikly group are the Aw Qutub of the British Protectorate who Burton
(1984, I, 193) described as the descendants of Au Qudhub ibn Faqih 'Umar who was then
claimed to have crossed from the Hijaz\‫ الحجاز‬ten generations ago' and to have settled with his six
sons in Somaliland. The Au Qudhub are widely scatered and are found as far south as the
Ogaden. They have the title 'Shaykhaash' which Burton translates 'reverend'. In fact, such
families of Arabian origin are found all over Somaliland and are often rapidly assimilated in the
Somali social structure where their members enjoy high prestige (cf. Cerulli, 1926)".
Warkaas macnihiisu waxaa weey:
"Koox sidaas oo kale u faaftay waa reer Aw Qudhub ee Waqooyiga Somaliland ee British
Somaliland oo uu Burton (1984, I, 193) ku tilmaamay inay yihiin dhasha ka farcantay Aw
Qudhub ibnu Fiqi Cumar, sheegayna inuu toban fac ka hor dalka Xijaaz \‫ الحجاز‬kasoo tillaabay
isagoo ay wehliyaan lixdiisa wiil oo uu degay Somaaliya. Reer Aw Qudhub aad ayay u faafsan
yihiin, waxaana lagaa helaa oo ay degaan ilaa dhanka koofureed oo ah Ogaadenya (taas
macneheedu waxaa weeye inuu deegaankoodu waqooyi ka xigo Ogadenia oo ah koofurta
beeshey degaan: xasanwali). Waxaa loogu yeeraa "Shiikhaasha" oo uu Burton u tarjumay
55
"Reverend" (Reverend waa eray ay krishtaanku ugu yeeraan madaxda wadaadohooda). Run
ahaantiine reeraha sidaasoo kale ah oo asalkoodu Carab yahay, waxaa laga helaa Somaliland oo
idil, waxayna si dhakhso leh ugu milmaan oo uga mid noqdaan bulshada soomaalida, ayna dadka
u dhashay ku leeyihiin qiimo iyo darajo sarreysa (fiiri Cerulli, 1926)."
Lewis wuxuu bogga shan boqol iyo sideed iyo sagaashan ku yiri:
"As examples of dispersed clans of holy men we have already considered the Rer Shek Mumin
among the Rahawiin and the Rer Au Qutub of British Somaliland. Both are typical
representatives of this class. The Sheikhal Lobogi section of the Herab Tribe of Somalia are, on
the other hand, a good example of a religious group or community firmly assimilated to the tribe
of adoption (see genealogy above, p. 558). Sheik Lobogi, the eponymous ancestor of the group,
is a descendent of Sheik Saad whose tomb is at Geledi in Somalia. Groups which have not
achieved such firm integration in the tribal structure or assimilation in the lineage structure, are
the Asheraf among the Sarman tribal cluster, the Walamoji among the Elai, and the Waaqbarre
among the Dabarre tribe."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Qabaa'il wadaaddo ah oo faafay waxaan hore uga soo hadalnay Reer Shiikh Muumin oo
Raxanweynta la degah iyo Reer Aw Qudhub oo British Somaliland dega, -waana waqooyiga
Soomaaliya oo ingiriisku gumaysan jiray - . Labadaas qabiilba waxay tusaale u yihiin inta ayaga
la midka ah. Qaybta Shiikhaal Looboge ahee ee qaybta qabiilka Hiraab ee Soomaaliya, waana
intuu talyaanigu gumaysan jiray, dhanka kale, waxay tusaale u yihiin koox ama bulsho Diinta
xambaarsan oo si xoog leh oo fiican ugu milmay qabiilka tabanniyay (oo erayga adoption waxaa
la yiraahdaa afka ingiriiska cunug aadan dhalin aadse ka cunug yeelato oo qoyskaaga ka mid
noqda, waana tabanniga aan bannaaneyn oo ayan Diinta Islaamku oggolayn ah ee ku xusan
Aayadda afaraad ee Suuratu Al Axzaab\‫سورة األحزاب‬:
َّ ‫َو َما َج َع َل أَ ْد ِعيَا َء ُك ْم أَ ْبنَا َء ُك ْم َذلِ ُك ْم قَوْ لُ ُك ْم بِأ َ ْف َوا ِه ُك ْم َو‬
)8( ‫َّللاُ يَقُو ُل ْال َحق‬
"Wa maa jacala adciyaa'akum abnaa'akum: thaalikum qawlakum bi afwaahikum wa
Allaahu yaquulu al xaqqa",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahay Tacaala\‫ )هللا تعالى‬Kamana dhigin kuwaad sheegateenna dhashiinna: taasi waa hadal aad
afafkiinna ka leedihiin, Ilaahayna runta ayuu sheegayaa"(4)
(Taas weeyana sababta koofurta Soomaaliya iyo deegaanka Hawiyaha Looboge loo yiraahdo
Shiikhaal Looboge waa marti, waxayna marti u tahay ninka la yiraahdo Hiraab: halkaasuu ka
yimid erayga Martiile Hiraab).
56
Shiikh Looboge, ninkay Shiikhaal Looboge ku abtirsato waa ubadka Sacad, qabrigiisuna wuxuu
ku yaalla (waa Sacade) degmada Geledi (ninka ay shiikhaal iyo qabaa’il kaleba ku siyaartaan
meeshaan uu sheegay waxaa la yiraahdaa Sacad Daauud oo cidduu u dhashay ayan caddayn, oo
dadka qaarkiis wuxuu yiraahdaa inuu looboge u dhashay, qaar kalena inuu nin culummo muslin
ah ahaa uusanna Shiikhaal ahayn, waxaana sanad walba lagu siyaartaa meel u dhexaysa
Muqdisho iyo Afgooye) ee Soomaaliya. Koox aan sidaas ugu milmin qabaa'ilka tabanniyay waa
Ashraafta\‫ األشراف‬la degtay qabaa'ilka Sarmaan, iyo Walamoge ee Eelaay la degtay iyo
Waaqbarre oo Dabarre la degay." Waa intaas warka Lewis.
Lewis wuxuu is dhaafiyay Sacdi iyo Sacad Daauud. oo Sacdi waa ina Looboge, ee Looboge ma
aha ina Sacdi. Ninka qabrigiisu ku yaallo Xamar iyo Afgooye inta u dhexeysa oo la siyaarto ma
aha Sacdi Looboge ee waa nin kale oo Sacad Daauud la yiraahdo oo qabiilkiisaba aan hadda la
aqoon. Looboge wuxuu ku duugan yahay mel degmada Shiikh hoosteeda ah, una jirta ilaa toban
ilaa labaatan kiiloomitir. Looboge wuxuu ku duugan yahay arliga Isaaq, ayagaana dhaqaaleeya,
inta uu dhalayna sanadkiiba mar ayaa siyaaradiisa qabrigiisa isugu yimaadeen, meel kasta ha ka
yimaadeene. Degmada Shiikh lafteedana waxaa ku duugan Looboge iyo walaalkiis Aw Qudhub,
oo markaad taagan tahay guriga martida ee Dawladda ee buurta dusheeda ku yaalla, qabrigiisa
hoostaada ayaad uga jeeddaa: qubuurahaas daraadood ayaaba magaaladaba “Shiikh” loogu
bixiyay, oo ayagaa loogu magic daray. Allow ayaga iyo muslinka oo idil u naxariiso.
Anigaan kitaabkaan dhigayana abtirsigayga melena magaca Daauud kama soo galo.
Qabaa'ilka Diinta fidiyaa kuwaasoo keli ah ma ah, oo kuwo kalena waa jiraan, waxaana horreeya
oo ugu weyn oo ugu sharaf badan Ashraafta‫األشراف‬, kaddibna Shaanshida oo uu ka dhashay
Sheekh Suufi Al Zzuhriyyi Allaha u naxariistee oo u dhashay reer abtiga Nabi Muxammad
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, Reer Baraawe, iyo guud ahaan qabaa’ilka
Reer Banadir la isku wada yiraahdo, sida Camuudi, Reer Faqay, Gudmane, Duruqbo, iyo kuwo
kaleba.
Dr. Paulitschke
Dr. Philip Paulitschke wuxuu ahaa takhtar u dhashay dalka Austria oo Yurub ku yaalla, afka
jarmankana ku hadla. Waana dalka uu Adolf Hitler ka dhashay. Hilter wuxuu ku dhashay
magaalada la yiraahdo Braunau Am Inn: Braunau waa magaalada magaceeda, Inn waa wabiga
magaaladaas mara magaciisa, marka waa "Braunau midda wabiga Inn jinkiisa saaran". Wabigaas
Inn jin wuxuu ka tirsan yahay Austria, jinka kalena gobolka Bayer ee arliga jarmanka. Guriguu
Adolf Hitler ku dhashay, oo ah guriga dhagax laga dhisay oo saddex dabaq ah, wali sidiisii ayuu
u taagan yahay, waxaana wada tagnay aniga iyo curadkayga Dr. Cabdu Al Rraxmaanu
Xasanwali oo dugsiga sare taariikhda gobolkaas baranayay. Maanta labada dabaq oo kore waa
guri lagu xannaaneeyo caruurta maskaxda curyaamiinta ka ah, waxaana laga galaa albaabka
57
dambe, oo dariiqa uma furna. Dabaqa hooseeyana, oo leh albaab dariiqa u furma, waa
makhaayad qaxwada lagu cabo, uuna leeyahay nin talyaani ah, oo ii sheegay, kaddib markaan
wareystay, in marka la gaaro maalinta loo dabbaal degayo dhalashada Hitler ay adduunkoo idil
iyo qaaradohoo idil isaga yimaadaan dadka jeceli, oo weli sidoodii hore u tiro badan. Markaasey
magaalada soo kor degaan, oo ay wasakheeyaan, ayadoo aan intaasoo musqulood loo hayn, oo
ay khamro ka dhergaan, oo ay heesaan oo cayaaraan oo ay Hitler ammaanaan, ayna teendhooyin
dhistaan. Markaasaa magaaladoo idil la xiraa, oo dukaammada iyo makhaayadahaba la xiraa, dad
badanna intuu shaqada fasax ka qaado ay magaalada kaba baxaan, si ay kuwaas shartooda looga
nabad galo, uuna dabbal deggodu dhawr maalmood soconayo.
Dalalka Jarmanka iyo Austria mantadaan aan joogno aragtidii siyaasadeed ee Hitler way nooshay
oo xoog ayay leedahay oo faafsan tahay. Qarnigii lasoo dhaafayna waxay nacaybkay yuhuudda u
qabaan ku kordhiyeen mid kale oo ay muslimiinta u qabaan, gaar ahaan muslimiinta Carabta ah.
Adolf Hitler wuxuu noqday Madaweynaha Jarmanka, wuxuuna yurub ka bilaabay dagaal ay ilaa
konton milyan oo qofi ku dhinteen. Dagaalkiisuse wuxuu ku koobnaa yurub. Ingiriiska iyo
maraykanku waxay dagaal ku qaadeen adduunka oo idil waxayna ka dileen in intaas ka badan,
ayna geysteen khasaarooyin maal iyo moodba leh oo aan la xisaabi karin.
Dr. Paulitschke wuxuu dhammadka qarniga kun iyo sideed boqol socdaal ku yimid waqooyiga
Soomaaliya iyo boqortooyada Harar, wuxuuna safarkiisaas ka dhigay kitaab uu u bixiyey “Harar,
Forschungsreise nach den Somal-und Galla Laendern Ost-Afrikas”, laguna daabacay Leipzig
arliga jarmanka madbacadda F.A. Brockhaus kun iyo sideed boqol iyo sideed iyo sideetanka
Miilaadiga ah. Takhtarkaasu wuxuu bogga laba boqol iyo shan iyo toban ku yiri:
"Der held der Sagen ist der Nationalheilige der Stadt, Abaadir, eine fromme Mann, der den Islam
nach dem Lande Erer gebracht haben soll, noch bevor das Land zu Abissinien gehoerte".
Warkaas macnihiisu waxaa weey:
"Halyeyga la tebiyo waa wadaadka Qaranka Abaadir\‫أبادر‬, ahna nin saalix ah oo suuban oo Diinta
islaamka lagu wado inuu keenay arliga Harar, ka horba intuusan dalkaasi Al Xabashah ka mid
noqon."
War kale iyo qasiidooyin lagu ammaanayo ayuu soo guuriyay, o ayan halkaan meesheeda ahayn.
Shiikh Abaadir\‫ الشيخ أبادر‬waa Fiqi Cumar, oo ah aniga iyo Shiikhaal aabeheenna na dhalay.
Alow u naxariiso Fiqi Cumar iyo waalidiintiisa iyo dhashiisaba iyo muslimiintoo idil.
Shiikhaal Isaaq iyo Hawiye iyo Daarood midna ma aha
Laba qofi si ay isugu nasab iyo abtirsi u yeshaan waa inay aabe wadaagaan oo ay isku dhiig
yihiin. Shiikhaal Looboge fiqi Cumar, iyo Shiikhaal Qudhub fiqi Cumar iyo Shiikhaal Calii fiqi
58
Cumar iyo Shiikhaal Cuthmaan fiqi Cumar oo Gandarshe ah, Isaaq iyo Hawiye iyo Daarood
aabbe iyo dhiig midna ma wadaagaan, oo sidaaseeyan isku qabiil u ahayn. Bal waxa arrinkaas
laga dhigay aan wax ka xusno, ka sokow intaan kutubbada kasoo guurinnay oo aan kor kusoo
xusnay.
Waxaan dhegeystay cajalad dug ah oo uu ku luqaynayo adeerkey aabahay la dhashay, Allaha
labadoodaba u naxariistee, Macallin Maxamuud Cismaan Cilmi Axmad Agoon, qasiido uu
qarnigii hore dejiyay adeerkay ayagana walaalkood ah Sheekh Cumar Cismaan Cilmi Axmad
Agoon, isagana Allaha u naxariistee, uuna uga warramayo Axmad Looboge, iyo siduu ninka
Hiraab ugu yimid iyo wuxuu ula yimid oo ku biiriyay iyo sababtay Looboge ugu bixiyeen iyo
karaamada Looboge, wuxuuna yiri:
1.Yaa Waliyyal Ilaahi Loobogow Axmadow
2. Nabigii dad u ficnaa fangalkiisiyaad ahaatee
3. Nin faruur ka dhawaaqaad fasiixiisa ahaydee
4. Awliyadii fillaankoodaad fal ahaydee
5. Ninkii is fantantiraa faraqaaga ma gaaree
6. Karaamooyin faniinoo filankiisa ka qaatee
7. Zamankiisii ka guulyoo fardi buu ku ahaayee
8. Ninkii haatan ka fuuqaa fahmadaydu ma gaaree
9. Hiraabaan ku filayn baad faa’iidooyin u keentee
10. Diinkii oo ku faaqiraad kurbooyin ka faydee
11. Muruf Daaruf fallaagoo sharcigaad ku fogeysee
12. Inuu diin kaaga faayoo fanacuuthu biAllaahi
13. Wixii uu fasaad-shay fiyoobaad ku dhammaysee
14. Gabdhihii uu fogeystey fiidkiibaa la aroosayee
15. Qaalmuhu faafsanayay farahaad uga qaadee
16. Faraxaaga dartiisey fiicanaa ku dheheenee
17. Ninkii haatan farxayaa faataxay u maraanee
18. …iyo waxa fiican …buu u helaayee
19. Ninkii wiil ka fitneeyaa fallaarbey ku gamaanee
20. Asagoon filanaynbuu feerihii u dhintaayee
21. Shikhii Fawzi ahaayow Nabigaagii ku farax
22. Adduunyoo fakaneysaa fiyoobaan ka su’aalnayee
23. Aakhiroo la filaayo Firdawsaan kugu tuugnayee.
Baytka 16: Siduu Hiraab ugu farxay inu gabdhohooda u nikaaxiyo, uusanna ka taaban, geelna ka
qaadan siduu Muruf Daaruf yeeli jiray, oo gabadha habeenno isagu haysan jiray, ayay waxay u
bixiyeen “Looboge” oo ah midka fiican oo la jeclaaday.
59
Baytka 17: afka carabiga ayaa guurka afraax\‫ أفراح‬lagu yiraahdaa oo ah farax: markuu u nikaaxo
qaalmo kama qaatee faataxuu u maraa oo waaba u duceeyaa!
Waxaa kaloo u daliil ah gabaygay walaashay Xaajiya Madiina Cali Cismaan Cilmi Axmad
Agoon tirisay oo leh:
Kow
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
1.Hodanow Ilaahayow, hanti bixiye Eebow
2.Addoon haajiraan ahay, hooyo daacadaan ahay
3.Hoosweyne geed iyo muumin lagu hirtaan ahay
4.Hodanow Ilaahow, hanti bixiye Eebow
5.Huudayda maqaloo, halkaan kaa su’aashaba, haygu celin Ilaahow.
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
Laba
6.Addoon haajaraan ahay, hooyo daacadaan ahay
7.Hambo awliyaan ahay
8.Huudayda maqaloo, halkaan kaa su’aashaba haygu celin Ilaahayow.
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
Saddex
9, Hodanow Ilaahow, hanti bixiye Eebow
10. Haraagii Siddiiqyo hoorkii Fiqi Cumaryo hilib Loobogaan ahay
11.Huudayda maqaloo, halkaan kaa su’aashaba, haygu celin Ilaahow.
Afar
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
12.Been kuma hadlahayee, sidii hooyaday tiri
13.Ama hooyadeed tiri ama hooyo aabe
14.Hagoogane Axmad Agoon awliyadii hubaysnayd
15.Halbawlihii kasoo go’ay, hawdiisiibaan ahay
16.Cali Haybadlaa i dhalay.
60
Shan
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
17.Haddaanan habaar qabin, aana soo habeen dhixin
18. Aanna hooyaday dhibin.
19. Huudayda maqaloo, halkaan kaa su’aashaba, haygu celin Ilaahow.
Lix
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
20.Haddaanan habaar qabin, aabahay hareer marin
21.laygu habin hal booli ah
22. Huudayda maqaloo, halkaan kaa su’aashaba, haygu celin Ilaahow.
Toddoba
Rabbiyow Raxmaanow, Risaaqow Ilaahow, Ra’oofow Raxmaanow raxmadaada nagu deeq
23.Hore ii ajiiboo, hooya dheh Ilaahayow.
Huudayda macneheedu waa baryadayda.
Hagoogane: raga ilmo Axmad Agoon go’ ayay hagoogan jireen oo madaxooda lama arki jiri oo
goyaal ayay hagoognaayeen, sunnaduna waa sidaas, oo sida dumarka khimaar xirta shukana xirta
loo yiri oo ay waajib ugu tahay, ayay raggana sunno ugu tahay inay jirkooda dumarka ka
qariyaan, waajibse kuma aha.
Wargayska “Al Muslimuuna\‫ ”المسلمون‬ee Sucuudiga kasoo baxa
Yuusuf Cabdu Al Raxmaan Shiikh\‫يوسف عبد الرحمن شيخ‬, Allaha u naxariistee, wuxuu
maqaaladiisa ku qoran wargeyska Al Muslimuuna‫ المسلمون‬ee kasoo baxay arliga Sucuudiga
maalinta jimcaha ah ee toddoba Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo
afar boqol iyo sideed iyo toban, una dhiganta kow iyo tobanka Luulyo kun iyo sagaal boqol iyo
toddoba iyo sagaashan, bogga tobanaad ku yiri:
"Kaddib markay saliibiyiinta krishtaanka ahi ay gacanta ku dhigeen Bayti Al Maqdis\‫ بيت المقدس‬,
dhammaadka qarniga shan iyo tobnaad ee Miilaadiga ah iyo dhammaadka kan shanaad ee
Hijriga, ayna ku sugnaadeen Shaam\‫الشام‬, ayna gacanta ku dhigeen Khaliiju Al Caqabah ‫خليج‬
\‫( العقبة‬oo ah gacanka ay hadda wadaagaan Urdun\‫ أردن‬iyo Masar\‫ مصر‬iyo Israa'iil\‫ )إسرائيل‬ee ku
61
dara Badda Cas, ayay krishtaanku waxay raadiyeen xaliif, oo ah cid ay is gaashaanbuursadaan,
oo Badda Cas xagga koofureed uga gooya.
Markaasey waxay heleen Xabshada krishtaanka ah oo ay markaas gaashaanbuur la noqdeen,
ayna kula heshiiyeen inay iska kaashadaan la dagaallanka islaamka iyo muslimiintaba, kuna
gaaray taas inay xabashadu kusoo duusho oo ay weerarto oo ay qabsato Boqortooyada Islaamka
ah ee Harar, taasoo gogol dhig u noqoneysa ku duulidda Xijaaz\‫ الحجاز‬iyo duminta Kacbada la
Sharfay.
Sidaas ayayna ku heshiiyeen.
Markaasey xabashadu waxay kusoo duushay Harar, waxaana usoo baxay oo ka hortegey Al
Shiikh Abaadir\‫ الشيخ أبادر‬oo soomaalidu u taqaanno Fiqi Cumar, ahna aabaha dhalay Aw
Qudhub. Markaasuu Amiir Cumar bin Shamsu Al Ddiin\‫( األمير عمر بن شمس الدين‬oo ah Fiqi
Cumar) si xun u jebiyay oo ka adkaaday.
Markaasey xabshadu waxay ka gargaar iyo gurmad dalbeen gaashaanbuurtooda krishtaanka ah.
Qaylo dhaankoodaas waxaa kasoo jawaabay Richard the Lion-heart kan Qalbiga Libaaxa leh
(fulayse ahaa siday taariikhdu warisay, oo dagaallada saliibiyiintaba, oo inuu halyey ahaa
ingiriisku ku tilmaamo kuna faano, kamaba qayb qaadan oo goob jog kama ahayn oo wuxuuba
ku duugan yahay arliga jarmanka hadday xusuusteydu sax tahay oo anigu waaba dul istaagay
qabrigiisa) oo ahaa boqorka ingiriiska, ahaana maareeyaha hawlaha ka socday bariga dhexe
"Bariga Carabta".
Richard wuxuu soo diray ciidammadiisa ka kooban burtuqiis iyo talyaani, si ay xabashada ugu
gargaaraan. Ciidammadaani waxay gacanta ku dhigeen oo qabsadeen dekadaha ay Harar lahayd
oo ah Zaylac iyo Barbara iyo Bulaxaar, kuwaanoo hadda ku yaalla gobolka waqooyi ee
Jamhuuriyada Soomaaliya. Ciidammadaasu waxay soo gaareen ilaa dusha magaalada Harar.
Markaasey Imaarada Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Yaman\‫ يمن‬ayay waxay Harar usoo
direen ciidammo gurmad ah. Sidaas ayay ciidammada Islaamku uga adkaadeen oo libta uga
heleen kuwa krishtaanka ah, uusanna krishtaamiinta Shaam\‫ الشام‬uga laaban hal askarina ha
ahaadee, ayadoo dhammaantood lagu laayey inta u dhexeysa Harar iyo Muqdisho iyo Barbara.
Muqdisho waxay Harar usoo dirtay gurmad ahaan fardo iyo hub." Waa intaas warkaan kasoo
qaadannay Allaha dambigiisa dhaafee.
Ralph E. Drake-Brockman
Ninka ingiriiska u dhashay oo la yiraahdo Ralph E. Drake-Brockman, wuxuu ka tirsanaa
shaqaalaha caafimaadka ee dawladda gumaysatada ahayd ee ingiriiska ee waqooyiga
Soomaaliya, qarnigii lasoo dhaafay bilowgiisa, wuxuuna dhigay kitaabka la yiraahdo “British
62
Somaliland” oo sanadka kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo tobanka lagu daabacay London,
Hurst&Blackett, Ltd, Paternoster House, E.C.
Ninkaasu wuxuu bogga laba boqol iyo sagaal iyo toban ku yiri:
"Sheikh or Au Barkhadle is said to have died about 385 years ago."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Shiikh‫ الشيخ‬ama Aw Barkhadle waxaa la sheegay inuu dhintay qiyaas saddex boqol iyo shan iyo
sideetan sano mar hadda laga joogo."
Kutubbo kale waxaan ka akhriyay inuu ahaa Shariif Xasani ah, oo uu yahay dhashay Al Xasan
bin Faadhimaha\‫ الحسن بن فاطمة‬gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Claayhi Wasallam.
Aw Barkhadle ama magaciisa kale oo ah Yuusuf Al Kawnayn\‫ يوسف الكونين‬gabadhiisa ayaa
waxaa guursaday Fiqi Cumar, oo ah Bakri\‫بكري‬, isagoo ku abtirsada Abuu Bakar Al
Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee, markaasay waxay u dhashay Looboge Qudhub
iyo Calii oo ah dadka maanta shikhaal la yiraahdo. Siduu gabadhiisa u siiyayna riwaayadaha la
wariyay waxaa ka mid ah middaan soo socota.
Xaaji Naasir Cali Maslax
Walaalkay Al Xaajji Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu igu yiri:
"Xaaji Naasir Cali Maslax oo Yamani u dhashay wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada soo galay
oo ka mid ah kun sagaal boqol lix iyo kontonka baarlamaanka daakhiliga (Assemblea
Costituzionale della Somalia) ah ee Soomaaliya intay walaayada talyaaniga ku jirtay. Waana isla
ninka lahaa basaska la raaco ee Muqdisho. Markay taariikhdu ahayd kun sagaal boqol afar iyo
toddobaatan miilaadiga ayaa anigoo jooga magaalada Xudaydah\‫ حديدة‬ee dalka Yaman\‫يمن‬
wuxuu Xaaji Naasir igu yiri:
"Yuusuf Al Kawnayn\‫ يوسف الكونين‬oo ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, (waana Xasanii\‫ حسني‬oo wuxuu ku abtirsadaa Al Xasanu bin Faadhimah ‫الحسن بن‬
\‫فاطمة‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu hal sano fadhiyay
magaalada Zaylac si uu diinta u fidiyo oo looga qaato. Markaasaa loo imaan waayay.
Markaasuu khalwo\‫ خلوة‬galay oo lagu yiri:
"Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa diinta la fidiyay oo u gargaaray
Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬ee soo wado fariciisa si ay diinta kuula fidiyaan.
Markaasuu wuxuu yimid Xudaydah\‫ حديدة‬oo uu markaas magaalada la yiraahdo Beledu Al Faqiih
\‫ بيت الفقيه‬, o macneheedu yahay beledka ninka faqiiha ah oo fiqiga yaqaanna, oo Xudaydah ‫حديدة‬
afartan kiiloomitir xagga Tacis\‫ تعز‬ka xigta kasoo watay Fiqi Cumar, oo ah Looboge aabihiis,
uuna ku daray gabadhiisa inuu Zaylac usoo raaco.
63
Markaasuu Zaylac la yimid, gabadhuna ay u dhashay Looboge oo magaciisu Axmad yahay iyo
Qudhub oo magaciisu Cumar yahay. Cali ayay u dhashayna waa la yiri. Cali hooyo kale ayaa
dhashayna waa la yiri. Markaasuu Fiqi Cumar wiilashiisa diinta baray oo u Axmad ku yiri:
"xagga bari aad oo diinta faafi", Cumarna ku yiri: "xagga galbeed aad ee diinta faafi".
Markaasna waxaa Sanca jooga oo aan kula kulmay Madaxweyne Maxmmad Siyaad Barre oo
booqasho rasmi ah ku jooga, iguna marti qaaday inaan dayuuraddiisa dib ula raaco, aniguse
diyaar uma ahayn oo hawshaydaan u imid ayaan wali ii dhammaan.”
Wa Allaahu aclamu\‫أعلم‬
‫وهللا‬. Waa intaas warka Al Xaajji Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan.
Anigu Baytu Al Faqiih\‫ بيت الفقيه‬, magaalada Yaman\‫ يمن‬ku taalla ee Fiqi Cumar kasoo haajiray,
waa tegay, waxaanna magaalada ayada ku dheggan oo labaatan kiiloomitir u jirta ee la yiraahdo
Zabiid\‫ زبيد‬ka helay kutubbo uu raadkiisa iyo abtirsigiisu ku dhigan yahay, lana mid ah abtirsiga
kitaabkaan ku dhigan, warkiisana kitaab kale ayaa looga warrami doonaa inshaa’a Allaahu
\‫هللا‬
‫شاء‬.
Baytu Al Faqiih\‫بيت الفقيه‬
‫إن‬
64
Waxaa intaasoo idil ka muuqata inuu Fiqi Cumar noolaa in u dhexeysa saddex boqol iyo konton
ilaa afar boqol iyo konton sano mar hadda laga joogo. Sanooyin kalena waa la sheegay oo
kuwaas ka horreeyey. Waxa la hubase waa inay dhawr sano ka hor dhinteen rag shan oday
Looboge ka tirsada. Loobogena waa ina Fiqi Cumar. Aniguna Looboge sagaal ayaan ka tirsadaa.
Marka, aad uma fogaan karto goortuu Fiqi Cumar noolaa. Runtana Rabbi ayaa og.
Gordon Waterfield
Richard Burton, First Footsteps in East Africa, 1856; edited with an introduction and additional
chapters by Gordon Waterfield (New York: Praeger, 1966), p. 165:
“ The Ahmed Loobage subclan would argue that while they are politically aligned with the larger
Hawiye clan, this does not mean that they are descendants of Hawiye. This view is shared by the
Aw-Qutub, one of the major Sheekhal subclans; they too totally reject the notion that the
Sheekhal are part of the Hawiye clan in terms of descent.
Richard Burtom kitaabkiisa First Footsteps in East Africa oo la daabacay 1856, uuna sharxay
hordhacna u sameeyey qaybana ku daray Gordon Waterfield (New York: Praeger, 1966) wuxuu
bogga boqol shan iyo lixdan ku yiri:
“Laanta Axmad Looboge (ee Shiikhaal) waxay leedahay in, in kastoo ay xagga siyaasadda
gaashaanbuur la yihiin qabiilka wayn ee Hawiye, inayan taas macneheedu ahayn inay ayagu
Hawiye ku abtirsadaan. Waxaa ayaguna sidaasoo kale qaba Aw-Qudub oo ka mid ah laamaha
waawayn ee Shiikhaal, waxayna diidan yihiin oo daaqadda ka tureen warka oranaya inay
Shiikhaal Hawiye ka mid tahay xagga dhalashada.”
Xasan Cali Jaamac
Xasan Cali Jaamac (2005) wuxuu kitaabkiisa “Who Cares About Somalia” laguna daabacay
Berlin ee arliga Jarmanka, ayna daabacday Hans Schiller, summaddisuna ay tahay ISBN 389930-075-0 wuxuu bogga boqol iyo afartan ku yiri:
“ UNHCR considers the Sheekhal as a separate group, with four sub-clans: Lobogay (Loboge),
Aw Qudub, Gendershe and Aw Hassan (Reerow-Xassan).”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“UNHCR – oo ah Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga adduunka – waxay
qabtaa inay Shiikhaal tahay qabiil gooni ah oo afar laamood ka kooban oo kala ah (Kow)
Looboge, (Laba) Aw Qudub, (Saddex) Gendershe, iyo (Afar) Aw Hasan.” Waa intaas warkiisu.
65
Joint British, Danish and Dutch fact-finding mission to Nairobi,
Joint British, Danish and Dutch fact-finding mission to Nairobi, Kenya (2000-11-24). “Peport on
minority groups in Somalia”. Nairobi, Kenya. p. 55. Retrieved 2013-01-02.
Warbixinta Guddiga ka kooban Ingiriiska, Danimark iyo Holanda, oo ergo-baaris ahaan u yimid
Nairobi markay taariikhdu ahayd afar iyo labaatanka bisha Novembar ee sanadka laba kun ee
Miilaadiga lana yiraahdo “Report on minority groups in Somalia” laguna daabacay Nairobi,
Kenya, wuxuu boggiisa shan iyo konton ku yiri warka kor ku dhigan
.
Aves Osmaan Hagi, Abdiwahid Osman Hagi iyo Dr. Omar Ali
Aves Osman Hagi iyo Abdiwahid Osman Haji (1988) kitaabkooda la yiraahdo “Sub-clan and
regional representation in the Somali government organization, 1960-1990: statistical data and
findings.” Laguna daabacay Washington DC: AvesO.Hagi&Abdiwahid O. Hagi” boggiisa boqol
lix iyo konton; iyo Dr. Omar Ali qoraalkiisa “Qabaa’ilka Soomaalida 1988, laguna daabacay
Muqdisho, Somalia: Banaadir Press, boggiisa toddoba iyo labaatan, waxay labadaas kitaabba
warinayaan inay Shiikhaal tahay dhashay Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka
ahaadee, Khaliifada koowaad ee Islaamka.
Ali Jimale Ahmad
Cali Jimcaale Axmad wuxuu sharxay kitaabka la yiraahdo “The Invention of Somalia” laguna
daabacay 1995 “The Red Sea Press, Inc. – Lawrenceville, NJ 08648 ee dalka Maraykanka,
wuxuu bogiisa boqol afar iyo labaatan, khariidhada labaad ku wariyay oo yiri:
Shiikhaal abtirsigeedu waa sidatan:
‫أبوبكر الصديق – عبد الرحمن – محمد عبد هللا – جمال الدين – يتم (لعل يقصد تيم) الفقيه زكريا – الفقيه عيسى – الفقيه‬
– ‫يحيى – الفقيه يعقوب – الفقيه عمر – الفقيه محمد – الفقيه يوسف – يونس – الفقيه محمد – الفقيه شمس – الفقيه عمر‬
.‫الشيخال‬
“Abuu Bakr Al Ssiddiiq – Cabdu Al Rraxmaan – Muxammad Cabdu Allaahi – Jamaalu Al Ddiin
– Yatm (aan ku wado ina marka la dhigayay la is dhaafsiiyay ta’da iyo ya’da, oo waa Taym) – Al
Faqiih Zakariyyaa – Al Faqiih Ciisaa – Al Faqiih Yaxyaa – Al Faqiih Yacquub – Al Faqiih
Cumar – Al Faqiih Muxammad – Al Faqiih Yuusuf – Yuunus – Al Faqiih Muxammad – Al
Faqiih Shams – Al Faqiih Cumar – Al Shiikhaal
‫‪66‬‬
‫ملتقى األشراف‪Multaqaa Al Ashraaf‬‬
‫ملتقي األشراف ‪http://www.ashraaf.biz/vb/showthread.php?t=9462‬‬
‫أسرة آل فقيه عمر ( الشيخال ) تعديل المشاركة‬
‫الرحيم‬
‫الرحمن ّ‬
‫بسم هللا ّ‬
‫الحمد هلل و الصالة و السالم على رسول هللا و على آله و صحبه أجمعين ‪ .‬أما بعد‪ :‬أسرة آل فقيه عمر ( الشيخال ) تسكن‬
‫في شرق إفريقيا خاصة في الصومال وجيبوتى و كينيا و إثيوبيا‪ .‬هذه األسرة من األسر بفضل هللا و م ّنه الذين اشتهرو‬
‫بانتشار العلم و الدّين‪ .‬وجد الجامع لهذه األسرة هو الشيخ الفقيه عمر الرضا البكري الصديقي رحمه هللا تعالى ‪ .‬وكان هذا‬
‫الفقيه واحد من علماء الذين جاءو من جزيرة العرب إلى شرق إفريقيا في القرن السابع أو الثامن تقريبا ألجل إنتشار العلم‬
‫و الدّين‪ .‬وكان معهم العالم المشهور الشيخ يوسف الكونين ‪ .‬وكان للشيخ فقيه عمر الرضا عدة أبناء ‪ ،‬منهم ‪ :‬قطب الدين‬
‫عمر (المعروف بأوقطب) و أحمد الملقب ( لوبوجي ) و عثمان و علي و غيرهم ‪ .‬و لقب آل فقيه عمر بالشيخال أو‬
‫الشيخاش ‪ .‬وهذه الكلمة كلمة صومالية معناها جمع الشيخ " الشيوخ " ‪ .‬ولهذه األسرة عدة فروع ‪ ،‬منهم ‪ :‬آل قطب بن‬
‫فقيه عمر ) ‪ ( Reerow Qutub‬و آل أحمد بن فقيه عمر ( لوبوجى ) ‪ Looboge‬و آل عثمان بن فقيه عمر (‬
‫المعروف بكندرشى ) ‪ Gandarshe‬و آل علي بن فقيه عمر و فروع أخري ‪ .‬و هذه األسرة يرجع نسبها إلى محمد‬
‫صدّيق القرشى التيمى‪ .‬ونقل عمود النسب الشيخ العالمة عبدهللا القطبى‬
‫الرحمن بن اإلمام س ّيدنا أبوبكر ال ّ‬
‫أبوعتيق بن عبد ّ‬
‫في كتابه نصر المؤمنين وهو النسب المشهور بين أبناء األسرة قديما و حديثا‪.‬‬
‫عمود النسب‪:‬‬
‫الشيخ الفقيه عمر الرضا بن شمس الدين محمد بن يونس بن يوسف بن محمد بن أحمد بن تيم بن محمد بن إبراهيم بن‬
‫إسماعيل بن عيسى بن بكر بن عمر بن يعقوب بن يحي بن عيسى بن مرة بن زكريا بن تيم بن جمال الدين محمد بن محمد‬
‫بن عبد هللا بن محمد أبو عتيق بن عبد الرحمن بن خليفة رسوهللا اإلمام الس ّيد أبي بكر الصديق القرشى‪ -‬رضي هللا تعالى و‬
‫عفا عنهم بمنه وكرمه‪.‬‬
‫‪Website-ka kor ku dhigan wuxuu yiri:‬‬
‫‪“Qoyska Reer Fiqi Cumar (Shiikhaal) waxay degtaa Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo‬‬
‫‪Jabuuti iyo Kenya iyo Ethiopia. Reerkaan deeqda Ilaahay iyo galladaysigiisa waxay ku can‬‬
‫‪bexeen faafinta cilmiga iyo diinta. Awoowaha uu Reerkaanu isugu yimaado waa Al Shaykh‬‬
‫‪Cumar Ridaa Al Bakrii Al Ssiddiiqii Allaha u naxariistee.‬‬
‫‪Faqiihaan wuxuu ahaa mid ka mid ah culummada ka timid Jaziiradda Carabta, una timid Bariga‬‬
‫‪Afrika qarniga toddobaad ama sideedaad qiyaas ahaan, si ay u fidiyaan cilmiga iyo diinta,‬‬
‫‪waxaana la socday caalinka caanka ah ee Yuusuf Al Kawnayn.‬‬
‫‪Sheekha Fiqi Cumar Al Ridaa wuxuu lahaa tiro wiilal ah ayna ka mid ahaayeen Qudhbu Al‬‬
‫‪Ddiin oo loo yaqaan (Aw Qudhub), iyo Axmad (koofaartiisuna ay tahay Looboge), iyo Cismaan‬‬
‫‪iyo Cali, iyo ayagaas ghayrkoodba.‬‬
‫‪Reer Fiqi Cumar koofaartooduna waa “Shiikhaal” ama “Shiikhaasha”.‬‬
‫‪Eraygaanna waa eray af soomaali ah oo macnihiisu yahay shiikhyo badan “Shuyuukh”. Reerkaan‬‬
‫‪wuxuu leeyahay faracyo kala duwan, ayna ka mid yihiin “Reer Aw Qudhub Fiqi Cumar”, iyo‬‬
‫‪“Reer Ahmad Looboge Fiqi Cumar” “Looboge”, iyo “Reer Cismaan Fiqi Cumar” loona‬‬
‫‪yaqaanno “Gendershe” iyo “Reer Cali Fiqi Cumar” iyo laamo kaleba.‬‬
‫‪Reerkaan nasabkiisu wuxuu galaa Muxammad Abuu Catiiq bin Cabdu Al Rraxmaan bin Al‬‬
‫الرحمن بن ‪Imaam Sayyidinaa Abuu Bakr Al Ssiddiiq Al Qurashii Al Taymii‬‬
‫محمد أبوعتيق بن عبد ّ‬
‫صدّيق القرشى التيمى‬
‫‪. Xiriirka nasabkana waxaa laga soo qaatay Caalinka Cabdu‬اإلمام س ّيدنا أبوبكر ال ّ‬
67
Allaahi Al Qudhbii kitaabkiisa “Nasru Al Mu’miniina”, kaasoo ah nasabka caanka ku ah
caruurta Reerkaas waagii hore iyo hadaba.
Xiriirka nasabkuna waa sidatan:
Al Shaykh Al Faqiih Cumar Al Ridaa bin Shamsu Al Ddiin Muxammad bin Yuunus bin Yuusuf
bin Muxammad bin Axmad bin Taym bin Muxammad bin Ibraahiim bin Ismaaciil bin Ciisaa bin
Bakr bin Cumar bin Yacquub bin Yaxyaa bin Ciisaa bin Murrah bnin Xakariyaa bin Taym bin
Jamaal Al Diin Muxammad bin Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad Abuu Catiiq bin
Cabdu Al Rraxmaan bin Khaliifatu Rasuuli Allaahi Al Imaam Al Sayyid Abii Bakr Al Siddiiq Al
Qurashii – Allaha Tacaalaa raalli ka noqdee deeqdiisa iyo galaaddiisana ha ku cafiyo.
Waa intaas warkiisu.
(www.ansab-online.com)
http://www.ansab-online.com/phpBB2/showthread.php?9838-%C3%D5%E6%E1-%E6%DE%C8%C7%C6%E1-%C7%E1%D5%E6%E3%C7%E1-%C7%E1%DA%D1%C8%ED%C9
Website-kaan wuxuu yiri:
‫قبيلة الشيوخ او الشيخال وهم ينتسبون الى ابابكر الصديق من بني تيم من قريش‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Qabiilka Al Shuyuukh ama Al Shiikhaal waxay ku abtirsadaan Abuu Bakr Al Ssiddiiq ‫أبوبكر‬
\‫ الصديق‬oo ka dhashay Banu Taym\‫ بنوتيم‬oo Quraysh\‫ قريش‬ka mid ah.” Waa intaas warkiisu.
http://en.wikipedia.org/wiki/Sheekhaal
Boggaan wuxuu yiri:
"The Sheekhal clan traces its ancestry to Sheikh Abadir Umar Ar-Rida, also known as Fiqi
Umar, who in turn traced his lineage to the first caliph, Abu Bakr(Sayid Abubakar Al-Sadiq).
According to the explorer Richard F. Burton, Fiqi Umar crossed over from the Arabian
Peninsula to the Horn of Africa with his six sons: Umar the Greater, Umar the Lesser, the two
Abdillahs, Ahmad and Siddik.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Qabiilka Shiikhaal la yiraahdo wuxuu ku abtirsada Shiikh Abaadir Cumar Al Ridaa, loona
yaqaanno “Fiqi Cumar”, kanoo ku abtirsada Al Khaliifah Abuu Bakr (Sayyid Abu Bakr Al
Siddiq)\‫الخليفة أبوبكر الصديق‬.
Dalmareenka Richard Burton wuxuu yiri:
“Fiqi Cumar wuxuu kasoo tillaabay Jaziiradda Carabta una soo tillaabay Geeska Afrika isagoo
ay la socdaan lixdiisa wiil, oo kala ah Cumar Al Akbar, Cumar Al Asghar, labada Cabdu Allaahi,
Axmad iyo Siddiq.” Waa intaas warkiisu.
68
Enrico Cerulli
Ninkaan talyaaniga ah ee magaciisu yahay Enrico Cerulli wuxuu kitaabkiisa “Somalia Scritti
vari editi ed inediti” boggiisa boqol toddoba iyo sagaashan ku yiri:
“La seconda tratta delle tradizioni genealogiche dell’autore sino alla solita origine Corescita, e
celebra le virtu’ dei suoi antenati. Per questa parte egli si e’ servito di un lavoro precedente di un
Sheikh ‘Omar ibnu ‘Omar che esaltava la nobilita’ di ‘Omar Ziyaad, antenato dello Haaggi
‘Abdullaahi.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Qaybta labaad ee abtirsiga ninka dhigay kitaabkaan oo uu geliyay Quraysh \‫قريش‬, wuxuuna
ammaanaya gobannimada asalkiisa. Qaybtaan wuxuu la kaashaday kitaab horreeyey uuna dhigay
ninka la yiraahdo Shiikh Cumar ibnu Cumar, kaasoo ammaanayay gobannimada Cumar Ziyaad
oo uu Xaaji Cabdu Allaahi laftiisu ku abtirsado.”
Cerulli wuxuu yiri:
“Lo Haajji in realta’ discende dai cosi detti Shiikhaal, che non sono una tribu’ vera e propria, ma
sono i pronipoti dei religiosi che in tutti i tempi sono venuti dall’Arabia lungo la costa somala
per propaganda o per questua. I figli delle loro unioni con donne somale si sono raggruppati nei
vari centri e conservano in maggioranza la tradizione religiosa: sparsi in tutta la Somalia, questi
Shiikhaal hanno un nome collettivo piuttosto come ricordo della analoga origine storica che
come attuale organism politico, dipendendo ciascun nucleo dalla tribu nel cui territorio dimora.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Run ahaantii Xaajigu wuxuu ka dhashay kuwa la yiraahdo “Shiikhaal”, oo aan ahayna qabiil
run ah sida qabiil loo yaqaanno, waase kuwa ka farcamay awoowayaalkooda ahlu diinta ahaa oo
zamn kasta ka imaan jiray arliga carabta, soona gaari jiray xeebaha Soomaaliya si ay u faafiyaan
diinta ama ay xoolo ka helaan.
Caruurta ka dhashay guursigooda haweenka soomaalida ah ayaa isku aruursaday xarumo, ayna
haystaan oo ku dheggan yihiin dhaqankooda diiniga ah, waxayna ku faafsan yihiin Soomaaliya
oo idil. Shiikhaashaan waxay leeyihiin magac wada kooba oo ku saabsan asalkooda, oo ma aha
urur siyaasadeed. Qayb walboo ayaga ka mid ahna waxay ku xiran yihiin qabiilka ay dhulkooda
deggan yihiin.” Waa intaas warkiisu.
69
Cerulli
Mar hadda laga joogo ku dhowaad soddon sano ayaan waxaan kitaab uu Cerulli leeyahay, oo aan
hadda gacantayda ku jirin, ka akhriyay qisadaan soo socota. Markuu talyaanigu qabsaday
Jubbada Hoose, ayuu ninkooda guddoomiyaha ka ahaa degmada Goobwayn ama Jilib, ayaa
wuxuu shiriyay soomaalida halkaas deggan, uuna ku yiri:
“Hawiyuhu dhankaan ha u istaagaan, daaroodna dhankaan kale.”
Markaasay sidaas yeeleen, waxaase dhexda kusoo hartay koox aan dhinacna raacin oo aamustay.
Markaasuu subixii dambena sidii oo kale yeelay, ayaguna sidii oo kale yeeleen.
Markaasuu talyaanigu wuxuu ku yiri:
“Adinku labada dhinac mid raaca.”
Markaasay waxay yiraahdeen:
“Annagu hawiyana ma nihin, daaroodna ma nihin.”
Wuxuu yiri:
“Oo yaad tihiin?”
Waxay yiraahdeen:
“Shiikhaal.”
Wuxuu yiri:
“Dhexda ma joogi kartaane, dhinac raaca.”
Markaasay xaggiisa soo istaageen oo ay yiraahdeen:
“Annagu dawladdaan la dhinac nahay, oo labadaan midna ma nihin.”
Hadday xusuustaydu fiican tahayna, qisadaas waxaa kaloo ii sheegay nin meeshaas goob jog ka
ahaa oo Goobwayn ku dhashay.
Website-ka Al Nassabuna Al Carab www.alnssabon.com ee Masar ‫مصر‬
Nin ka mid ah labada nin oo maamula qaybtaan ee boggaas, cinwaankiisuna yahay
[email protected] wuxuu boggiisa lix iyo labaatanaad ku yiri:
‫"توجد بالصومال عائلة الشيخال (آل عمر الفقي) وهي تتواجد على حدود الصومال مع اثيوبيا وكذلك توجد في المناطق‬
.‫الشمالية قريبا من كينيا‬
)‫ ) ينتمون لنفس النسب والجد الجامع لهم هو (رضا بن عمر الفقي‬Loobage‫وعائلة الشيخال وهي عائلة (أحمد لوباجي‬
.‫المنتسب لسيدنا أبي بكر الصديق رضي هللا عنه‬
‫ ميالدي هو وبنوه الستة (عمر األكبر وعمر األصغر وعبد هللا الثاني‬0314 ‫عمر الفقي جاء من بالد القرب ألفريقيا قبل عام‬
.)‫وصديق وأحمد‬
.‫"انتهى‬.....Cismaan Gandarshe‫ عائلة عثمان‬،‫ عائلة لوباجي‬،‫ عائلة قطب‬:‫وتنقسم هذه العائلة لعدد من العائالة األصغر‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
70
“Waxaa Soomaaliya laga helaa Reer Shiikhaal (Reer Fiqi Cumar) oo laga helo xuduudda ay
Soomaaliya la leedahay Ethiopia. Sidoo kale waxaa laga helaa gobollada waqooyi ee Kenya u
dhow.
Sidoo kale Reer Shiikhaal Axmad Looboge oo ay isku nasab yihiin, awoowaha ay isugu
yimaadaanna waa Cumar Fiqi Ridaa\‫رضا‬, kanoo nasabkiisu galo Sayyidinaa Abuu Bakr Al
Ssiddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee.”
Fiqi Cumar wuxuu ka yimid beledka u dhow Afrika ka hor sanadka kun sideed boqol afar iyo
kontonka Miilaadiga isaga iyo wiilashiisa lixda ah (Cumar Al Akbar, Cumar Al Asghar, labada
Cabdu Allaahi, Siddiiq iyo Axmad(.
Reerkaan wuxuu u qaybsamaa tiro qoysas ah: Reer Qudub, Reer Looboge, Reer Cismaan
Gandarshe.” Waa intaas warkiisu.
Kaddibna wuxuu yiri:
‫وحاليا يتواجد البكريون في الكثير من بلدان العالم اإلسالمي تمتد من حدود الصين شرقا إلى نهر السنغال غربا ومن تركيا‬
.‫شماال إلى الصومال وكينيا جنوبا‬
‫فهم يتواجدون في الهند وايران وتركيا والعراق وغالبية بالد الشام وفي بالد الحرمين وفي الخليج العربي وخصوصا في‬
‫الكويت وفي اليمن وخصوصا بحضرموت وكذلك في مصر والسودان وليبيا والجزائر وتونس والمغرب وموريتانيا وتشاد‬
.‫" انتهى‬.‫والنيجر وكينيا والصومال وجيبوتي واريترييا واثيوبيا وباكستان ونيبال وافغانستان وغيرها من البلدان‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Dad Bakriyiinta ahi hadda waxay ku sugan yihiin beledyo badan oo caalamka islaamka ka mid
ah oo ku fidsan laga soo bilaabo xuduudda shiinaha xagga bari ilaa wabiga Senegal galbeedka,
iyo laga bilaabo Turkiya xagga waqooyi ilaa Soomaaliya iyo Kenya xagga koofureed.
Bakriyiinta (waana kuwa ku abtirsada Abuu Bakr Al Ssiddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka
noqdee) waxaa laga helaa Hindiya, Iiraan, Turkiya, Ciraaq \‫عراق‬, iyo inta badan oo arliga Al
Shaam\‫ الشام‬, arliga labada Xaramayn\‫الحرمين‬, iyo Gacanka Carbeed gaar ahaan Kuwayt \‫كويت‬, iyo
Yaman\‫يمن‬, gaar ahaan Xadramawt\‫حضرموت‬. Sidoo kale Masar\‫ مصر‬iyo Al Suudaan\‫ السودان‬iyo
Libiya\‫ ليبيا‬iyo Al Jazaa’ir\‫ الجزائر‬iyo Tuunis\‫ تونس‬iyo Al Maghrib\‫ المغرب‬iyo Mawritaaniya iyo
Tshaad iyo Niijeer iyo Kenya iyo Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Eritrea iyo Ethiopia iyo Pakistaan
iyo Nepal iyo Afganistaan iyo ghayrkoodba ee dalalka ka mid ah.” Waa intaas warkiisu.
71
Shiikhaal
Sida hore loo yirina:
.‫ توارثنا هذا النسب كابرا عن كابر والحمد هلل رب العالمين‬،‫ الشيخال أدرى بنسبها‬،"‫"أهل مكة أدرى بشعابها‬
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Reer Makkah\‫ مكة‬ayadaa cid walba uga war roon buurohooda iyo banankooda.”
Annagu aabayaalkeen ayaan ka dhaxalnay inuu abtirsigeennu kaas aan soo sheegnay yahay,
annagaana cid kasta uga war roon, mahaddana Ilaahay ayaa iska leh.
Caruurta Fiqi Cumar Al Bakrii
Kitaabkaan waxaan ku aragnay inay caruurta afar wiil oo uu Fiqi Cumar dhalay Soomaaliya
joogaan oo kala ah:
Kow. Axmad Looboge Fiqi Cumar, oo curadkiisa ah.
Laba. Cumar Qudub Fiqi Cumar.
Saddex. Cali Fiqi Cumar.
Afar. Cuthmaan “Gandarshe” Fiqi Cumar.
Waxaan kaloo maqlay inuu Galbeedka Soomaaliya ku dhalay wiil ay faraciisu wali joogaan oo la
yiraahdo Abiib.
Sidoo kale waxaan internetka ku arkay inay dalalka Eritrea iyo Suudaan joogaan qabaa’il Fiqi
Cumar Al Bakrii ku abtirsada: fiiri (http://www.alnssabon.com/showthread.php?t=15520) iyo
(http://www.alnssabon.com/f272.html)
iyo
(https://www.facebook.com/alsadaalbaria).
Saddexdaas meeloodba, oo ku yaalla dalka Masar\‫ مصر‬waa baro website ay kuwa hadlaan oo ku
wada xiriiraan dadka addoonka geesihiisa kale deggan oo ku wada abtirsada Abuu Bakr Al
Ssiddiiqu‫ أبوبكر الصديق‬Ilaahay raalli ha ka ahaadee, aadna ka heleysid Looboge iyo Shiikhaasha
kaleba.
Qabriga Shiikh Abaadir Fiqi Cumar Al Bakrii
Enrico Cerulli kitaabkiisa "Studi Etiopici I, La lingua e la storia di Harar", laguna daabacay
Istituto per l'Oriente, Via Lucrezio, 67 Roma, sanadka kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo soddon,
wuxuu bogga sagaal iyo afartanaad ku sheegayaa inuu mar gacanta usoo galay kitaab Fiqi Cumar
Abaadir manaaqibtiisa laga dhigay, cinwaankiisuna yahay "Kitaabu Fatxu Al Qadiiri fii
Manaaqibi Al Imaami Al Shaykhu Abaadir‫"كتاب فتح القدير في مناقب اإلمام الشيخ أبادر‬, uuna dhigay
ninka la yiraahdo Yuusuf ibnu Shariif Muxammad Sufyaan\‫يوسف إبن الشريف محمد سفيان‬, uuna u
72
dhigay isagoo uu ka dalbaday Al Amiiru Axmad ibnu Muxammad\‫األمير أحمد إبن محمد‬, oo Amiirka
Harar ahaa inta u dhexeysey kun iyo toddoba boqol iyo afar iyo sagaashanka ila kun iyo sideed
boqol iyo kow iyo labaatanka. Kitaabkaas waxaa dhigiddiisa la dhammeeyey maalin isniin ah ee
bisha Jamaadu Al Thaanii\‫ جماد الثاني‬ee sanadka kun iyo labo boqol iyo isdeed iyo toban Hijriga,
una dhiganta sideed iyo tobanka septembar ilaa toddoba iyo toban oktoobar ee sanadka kun iyo
sideed boqol iyo saddex. Araarta kitaabkana waxaa Shiikha lagu magacaabay:
".‫"شيخ وراء إقليم الحبشة سيما مدينة الهرر ونواحيها ولي هللا بال دفاع وال نزاع الشيخ عمر أبادر‬
"Shaykhu waraa'a iqliimi al xabashah siyamaa madiinatu Al Harar wa nawaaxiihaa waliyyu
Allaahi bilaa difaac wa laa nazac Al Shaykhu Cumar Abaadir."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Waa shiikha arliga iyo arliga xabashada sokadeedaba, gaar ahaan magaalada Harar iyo
hareereheeda, waana waliga Ilaahay oo aan la diidin, aan la iskuna haysan sarrayntiisa Al
Shaykhu Cumar Abaadir‫ الشيخ عمر أبادر‬."
Goormuu noolaa Fiqi Cumar?
Sidaan kor ugu soo aragnay, Burton wuxuu odayada shiikhaaleed oo uu la kulmay qiyaas mar
hadda boqol sano laga joogo ka wariyay inuu Aw Qudhub (ama aabihiis Fiqi Cumar) uu Xijaaz
\‫ الحجاز‬ka yimid oo uu Soomaaliya yimid toban fac mar markaas ka horreysey. Facii waa meeqa
sano? Tirooyin kala duwan ayaa lagu qiyaasaa. Haddii la yiraahdo waa shan iyo labaatan sano,
siduu Lewis u yiri, toban fac waa laba boqol iyo konton sano, oo markaas Fiqi Cumar wuxuu
noolaa mar hadda laga joogo saddex boqol iyo konton sano. Haddii tiro kale lagu sheegana
wadartu way is bedeleysaa.
Fiqi Cumar wuxuu ku duugan yahay masjidkiisa ku yaalla “Bisidimo Gate” ama “Baabu Al
Ssalaamu\‫ ”باب ابسالم‬ee magaalada Harar, Allaha u naxariistee.
Qabriga awoowe Aw Barkhadle iyo gabdhiisa Looboge dhashay
Ninka ingiriiska u dhashay oo la yiraahdo J. Spencer Trimingham wuxuu kitaabkiisa "Islam in
Ethiopia" oo ay kun iyo sagaal boqol iyo shan iyo lixdanka daabacday Frank Cass & Co. Ltd.,
bogga laba boqol iyo kow iyo konton ku yiri, isagoo ka hadlaya Shariif Yusuf Aw Barkhadle
‫ الشريف يوسف أوبرخدلى‬ama Yuusuf Al Kawnayn\‫يوسف الكونين‬:
"Local tradition, however, says that he died early in the sixteenth century."
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
"Dadka meeshaan degganna waxay leeyihiin inuu dhintay inta hore ee qarniga lix iyo tobnaad."
Hadday sidaas tahayna, isla waagaas ayuu Fiqi Cumar noolaa, ayna u badan tahay inuuba ka da'
73
yaraa isagoo guursadayba gabadha Shariif Yuusuf Al Kawnayn\‫الشريف يوسف الكونين‬, ayna u
dhashay Looboge iyo walaalihiis.
Yuusuf Al Kawnayn‫ يوسف الكونين‬wuxuu ku duugan yahay barta la yiraahdo “Aw Barkhadle”
oo u dhexeysa Hargeysa iyo Barbara, Hargeysana usii dhow. Waxaa halkaas kula duugan
gabadhiisa uu dhalay oo ah hooyada Axmad Looboge dhashay. Allow u naxariis dhammaantood.
Anigu waan dul istaagay Aw Barkhadle mar hadda laga joogo ku dhowaad afartan sano, waxa
xusuusteyda ku harayna waxaa ugu weyn kitaab Quraan oo aad u weyn, oo aanan isagoo kaleba
horena u arag, kaddibna u arag oo furan oo far guri ku dhigan, saaranna maxmalka kutubbada la
saaro. Aw Barkhadle waa beel yar oo qabaw oo dhir badan, biyana leh. Waagaas ma jirin
magaalada maanta Hargaysa la yiraahdo, oo waa magaalo cusub oo dhowaan la asaasay, in ka
yar boqol iyo konton sano ka hor. Runtana Rabbi ayaa og.
Caruurta Axmad Looboge Fiqi Cumar
Shariif Caydaruus bin Al Shariif Calii An Nadiirii Al Calawii Al Suumaalii ‫الشريف عيدروس بن‬
‫الشريف علي العيدروس النضيري العلوي الصومالي‬
‫ رئيس المحفل اإلسالمي في مقدشوه يرحمه هللا‬،‫الشريف عيدروس بن الشريف علي العيدروس النضيري العلوي الصومالي‬
‫ مقدشوه في‬،‫ طبع بمطبعة اإلدارة اإليطالية القائمة بالوصاية على صوماليا‬،"‫ألف كتابه "بغية اآلمال في تاريخ الصومال‬
.0511 ‫ جونيو‬4 ‫ هجري الموافق‬0874 ‫ شوال‬02
:‫ ما نصه‬:265‫الشريف يذكر في الصفحة‬
Shariif Caydaruus bin Al Shariif Calii An Nadiirii Al Calawii Al Suumaalii ‫الشريف عيدروس بن‬
‫الشريف علي العيدروس النضيري العلوي الصومالي‬, guddomiyaha Al Maxfal Al Islaamii ee
Muqdisho, Allaha u naxariistee, wuxuu kitaabkiisa “Bughyatu Al Aamaali fii Taariikhi Al
Ssumaal‫” بغية اآلمال في تاريخ الصومال‬, laguna daabacay Madbacada Maamulka Talyaaniga ee AFIS
(Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia), Muqdisho laba iyo tobanka bisha
Shawwaal‫ شوال‬kun saddex boqol afar iyo toddobaatanka Hijriga, una dhiganta afarta bisha
Juunyo kun sagaal boqol shan iyo konton Miilaadiga.
Wuxuu bogga laba boqol sagaal iyo lixdan ku yiri:
Sheekh Axmad kuna magac dheer oo loo yaqaanno oo magaciisaba ka adkaaday “Looboge”,
Looboge macnihiisu waxaa weeye “Midka la jecelyahay”, caruurtiisa waxaa ka mid ah:
Kow. Shaykh Mahad Alle Looboge.
Laba. Shaykh Caagane Looboge.
Saddex. Shaykh Sacdi Looboge.
Afar. Shaykh Cabdi Looboge.
74
Dhammaantood faracooduna wuu joogaa. Faraca Shaykh Mahad Alle waxaa ka mid ah Qaalliga
Qaaliyiinta u madaxa ah Muqdisho Shaykh Abuu Bakar bin Shaykh Cabdu Allaahi. Waxaa kaloo
ka mid ah Qaalli Shaykh Muxammad bin Al Shaykh Calii bin Abii Bakar bin Maxmuud bin
Axmad bin Looboge bin Faqiih Nuur bin Xasan bin Mahad Alle bin Al Shaykh Axmad Looboge
bin Faqi Cumar.
Caruurta Caagane Looboge Fiqi Cumar
Al Shaykh Caagane Loobogese wuxuu dhalay toddoba nin:
Kow. Al Shaykh Maxammad Caagane.
Laba. Buubaal Caagane.
Saddex. Mahad Caagane.
Afar. Nuur Caagane.
Shan. Cumar Caagane.
Lix. Samafale Caagane.
Toddoba. Samantar Caagane.
Dhammaantood faracoodu waa joogaa.
Faraca Al Shaykh Maxammad Caagane waxaa ka mid ah
*Al Shaykh Al Xaajji Maxmuud bin Yuusuf, kuna magac dheer Xaaji Madad iyo caruurtiisaba.
*Al Xaaji Cuthmaan bin Aadam.
Al Shaykh Buubaal, magaciisuna waa Axmad, faraciisa waxaa ka mid ah:
*Al Shaykh Muxammad bin Al Shaykh Xasan bin Yuusuf bin Al Shaykh Maxmuud bin Al
Shaykh Cumar bin Al Shaykh Muxammad bin Al Shaykh Buubaal, iyo ghayrkiisba.
Caruurta Al Shaykh Caagane waa joogaan.
Al Shaykhu Sacdi Looboge isagana ciribtiisa iyo faraciisu waa joogaan.
Al Shaykh Cabdi Looboge faraciisu waa joogaa.
Furuucda Al Shaykh Looboge intooda badani waa culummo iyo Mashaayiikh, laguna magacaabo
Shiikhaal Looboge.”Waa intaas warkiisu.
Wuxuu kaloo Shariif Caydaruus bogga laba boqol toddoba iyo sideetan ku yiri:
“Shiikhaal Gandarshe waa caruurta uu dhalay Cuthmaan bin Al Faqiih Cumar Al Bakrii, waana Looboge Fiqi Cumar walaalkiis – waa caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al
Ssiddiiq Allaha raalli ka noqdee.” Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee.
75
Qabriga Looboge Fiqi Cumar
Qabriga Axmad Fiqi Cumar “Looboge” wuxuu ku yaalla magaalada Sheekh ee Gobolka
Togdheer buurteeda hoosteeda, oo in yar u jirta. Magaladaasba waxaa Sheekh loogu bixiyay inay
halkaas ku duugan yihiin Axmad Looboge iyo walaalkiis Cumar Qudub, Allaha u wada
naxariistee.
Barutuu Looboge ku duugan yahay waxaa la yiraahdaa “Suuq Fide ama Suuqfide”, oo sanad
walba lagu ziyaartaa. Sanadkoo idilna waxaa xusa oo ku Alle barya oo ku roob doonta Isaaqa
agagaarkaas dega, oo aniga laftayday sidaas ii sheegeen, inay xattaa meelo fog uga yimaadaan.
Caruurta Maxammad Caagane Looboge
Walaashay Xaajiya Madiinah Cali Cismaan waxay tiri:
Maxammad Caagane wuxuu dhalay, intaan hayo:
Kow. Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane Looboge.
Laba. Cilmi “Dheere” Maxammad Caagane Looboge.
Saddex. Fiqi Cismaan Maxammad Caagane Looboge.
Waa intaas warkeedu Allaha u naxariistee.
Qabriga Maxammad Caagane Looboge
Sidaan hore usoo aragnay Maxammad Caagane wuxuu ku duugan yahay, sida la yiri, meel
Xarardheere agteeda ah.
Caruurta Cabdu Al Rraxmaan Mammad Caagane
Xaajiyo Madiinah Cali Cismaan waxay tiri:
“Cabdu Al Rraxmaan Mammad Caagane wuxuu dhalay saddex nin oo kale ah
Kow. Caalin Cabdu Al Rraxmaan Caagane Looboge, oo aan annagu ku abtirsanno.
Laba. Cilmi Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane Looboge, oo reer koofur ah.
Saddex. Waxaan u malaynayaa in wiilka saddexaad magaciisu yahay Cumar, isagayna ku
abtirsadaan Reer Nuux.
Caruurta Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane Looboge
Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane wuxuu dhalay wiil madi ah oo la yiraahdo
Maxammad Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane.
76
Caruurta Maxammad Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane Looboge
Maxammad Caalin Cabdu Al Rraxmaan Maxammad Caagane wiil dhalay wiil madi ah oo ah
Axmad Agoon.
Waa intaas warka Xaajiyo Madiinah Cali Cismaan, Allaha u naxariistee.
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Abtirsiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Abtirsiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa sidatan:
Magaciisa: Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Aabihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬.
Awoowihiis Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬,
magaciisuna waa Shaybah.
Awoowihiisa labaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Haashim\‫هاشم‬, magaciisuna waa
Camr\‫عمرو‬.
Awoowihiisa saddexaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdu Manaaf\‫عبد مناف‬,
magaciisuna: Al Mughiirah.
Awoowihiisa afaraad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Qusayy\‫قصي‬, magaciisuna: Zayd
\‫زيد‬.
Awoowihiisa shanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kilaab\‫كالب‬.
Awoowihiisa lixaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Murrah\‫مرة‬.
Awoowihiisa toddobaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kacb\‫كعب‬.
Awoowihiisa sideedaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Lu'ayy\‫لؤي‬.
Awoowihiisa sagaalaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Ghaalib\‫غالب‬.
Awoowihiisa tobnaadaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Fihr\‫فهر‬, magaciisuna waa
Quraysh\‫قريش‬.
Awoowihiisa kow iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Maalik\‫مالك‬.
Awoowihiisa laba iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Al Nnadru\‫النضر‬.
Awoowihiisa saddex iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Kinaanah\‫كنانة‬.
Awoowihiisa afar iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Khuzaymah\‫خزيمة‬.
Awoowihiisa shan iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Mudrikah\‫ مدركة‬,
magaciisuna: Caamir\‫عامر‬.
Awoowihiisa lix iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Ilyaas\‫إلياس‬.
77
Awoowihiisa toddoba iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Mudar‫مضر‬.
Awoowihiisa sideed iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Nizaar\‫نزار‬.
Awoowihiisa sagaal iyo tobanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Macadd\‫معد‬.
Awoowihiisa labaatanaad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cadnaan\‫عدنان‬.
Abtirsiga Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬
Abuu Bakr‫ أبوبكر‬abtirsigiisu waa sidatan:
Abuu Bakar‫أبوبكر‬, oo Abuu Bakar‫ أبوبكر‬waa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin
Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy
bin Ghaalib bin Fihr ‫عبد هللا بن عثمان بن عامر بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة بن كعب بن‬
\‫ لؤي بن غالب بن فهر‬oo ah ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Muurah‫ مرة‬waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowaha lixaad, inta ka korraysana wuu la wadaagaa.
Murratu‫مرة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lixaad waa Murratu bin
Kacb\‫مرة بن كعب‬. Erayga Murratu\‫ مرة‬waa tilmaan ama magac ka mid ah magacda haruurka la
cuno oo magaciisu yahay Al Xanthalatu\‫ الحنظلة‬iyo Al Calqamatu\‫العلقمة‬, oo ay mirihiisu miraha
bariiska ka yaryaryihiin, oo, markaas, magacu ninka loo bixiyo uu kharaar ku tilmaamayo, oo
murr\‫ مر‬waa kharaarka.
Al Murrah\‫ المرة‬waxaa weeye oo kale, siduu Abuu Xaniifah\‫ أبو حنيفة‬u xusay, dhir sida bagalka
oo kale ah oo dhulka laga soo qodo, oo khal iyo saliid lagu cuno.
Murrah bin Kacb‫ مرة بن كعب‬koofaartiisu waa Abuu Yaqthata\‫أبويقظة‬.
Murrah hooyadiis waa Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr bin Maalik bin Al
Nadr\‫وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر‬.
Murratu‫ مرة‬ilmihiisa
Murratu‫ مرة‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
78
(Kow) Kilaaba bin Murrata\‫ كالب بن مرة‬, oo hooyadiisna ay tahay Hind bintu Suraaji bin
Thaclabah bin Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah ‫هند بنت سراج بن ثعلبة‬
\‫بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة‬.
(Laba) Yaqthatu bin Murrata\‫ يقظة بن مرة‬, hooyadiisna waa Al Baariqiyyah\‫البارقية‬, oo ah
haweeney u dhalatay qabiilka la yiraahdo Baariq\‫ بارق‬oo ka tirsan Al Asad\‫ األسد‬ee reer
Yamaneed\‫ يمن‬ah. Waxaa kaloo la yiri: hooyadiis waa Taym \‫تيم‬. Yaqthah\‫ يقظة‬wiilkiisa
Makhzuum bin Yaqthata\‫ مخزوم بن يقظة‬waa awoowaha ay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii
Makhzuum\‫ بني مخزوم‬ku abtirsadaan, uuna ka dhashay Seefta Ilaahay ee Galka ka siiban Khaalid
bin Al Waliid\‫خالد بن الوليد‬, Allaha isaga iyo Asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dhammaantood raalli ka noqdee.
(Saddex) Taym bin Murrata\‫تيم بن مرة‬.
Murratu bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬waxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo nasabaka Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir\‫عبد هللا بن عثمان بن عامر‬
oo ah Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, oo Abuu Bakar Al
Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬waa koofaar.
Muuratu‫ مرة‬walaalihiis
Murrah bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬waxaa la dhashay laba nin oo kala ah:
(Kow) Cadiyyu bin Kacb\‫ عدي بن كعب‬iyo
(Laba) Husays bin Kacb\‫هصيص بن كعب‬. Labadaas nin hooyada dhashay waa isla hooyada Murrah
‫ مرة‬dhashay oo waa isku wada hooyo.
Kacb‫كعب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddobaad waa Kacb bin
Lu'ayy\‫كعب بن لؤي‬. Kacb‫ كعب‬hooyadiis waa Maawiyyatu bintu Kacb bin Al Qayn bin Jasrin
\‫ماوية بنت كعب بن القين بن جسر‬, oo qabiilka Qudaacah\‫ قضاعة‬u dhalatay.
Kacb‫ كعب‬koofaartiisu waa Abuu Husays\‫أبوهصيص‬. Kacb‫ كعب‬hooyadiis Maawiyyatu\‫ماوية‬
macnaha magaceedu waxaa weeye muraayad, oo Maawiyyatu \‫ ماوية‬waxaa la yiraahdaa
muraayadda la isku fiiriyo, looguna bixiyay saafinnimadeeda.
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬wuxuu ka mid ahaa ragga Makkah\‫ مكة‬ku nool oo aan asnaamta
caabudi jirin, wuxuuna ahaa Muslin ku taagan Diintii Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu,
lana oran jiray Al Xunafaa'u\‫الحنفاء‬. Kacb wuxuu ahaa Sayyidka iyo hoggaamiyaha
Quraysh\‫قريش‬, wuxuuna Quraysh‫ قريش‬kulmin jiray toddobaadkiiba maalin, maalintaasoo la oran
79
jiray Yawmu Al Curuubah\‫يوم العروبة‬, wuxuuna ku waanin jiray falidda wanaagga, riximka in la
xiriiriyo, xididka xiriirintiisa, maalka in lagu shaqeeyo oo laga miro dhaliyo.
Wuxuu kaloo ku guubaabin jiray inay arkaan Aayaadka Ilaahay ee ah Samada iyo xiddigaha, iyo
habeenka iyo maalinta, iyo buuraha iyo inuuu qofkii dhintah uusan adduunkaan kusoo noqoneyn,
si ay ugu waantoobaan oo ay ugu cibro qaataan.
Magacda maalmaha toddobaadka ee Carabta zamanka jaahiliyada
Zamankiisaas ayaamaha ay Carabtu tirsato ee toddobaadku ma ayan lahayn magacda aan maanta
u naqaanno, oo ah Sabti iyo Axad iyo Isniin iyo Talaado iyo Arbaco iyo Khamiis iyo Jimce iyo
Sabti, waxaase la oran jiray Awwal\‫أول‬, oo ay Axadda oran jireen, Ahwan\‫أهون‬, oo ay Isniinta
oran jireen, iyo Jabaar\‫جبار‬, oo ay Talaadada oran jireen, iyo Dabaar\‫ دبار‬oo ay Arbacada oran
jireen, iyo Mu'nis\‫ مؤنس‬oo ay Khamiista oran jireen, iyo Curuubah\‫ عروبة‬oo ah Jimcaha oran
jireen, iyo Shayaar\‫ شيار‬oo ay Sabtida oran jireen.
Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu maalinta Jimcaha
ka yiri:
".‫"إن هذا يوم جعله هللا للمسلمين عيدا‬
"Inna haathaa yawmun jacalahu Allaahu li al Muslimiina Ciidan"
oo macneheedu yahay:
"Kani waa maalin uu Ilaahay Muslimiinta iid uga dhigay."
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬wuxuu dadkiisa ugu yeeri jiray inay isku jilicsanaadaan oo ay isku
naxariistaan, wuxuuna uga warrami jiray soo diridda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
uuna sheegi jiray inuu dhashiisa ka mid yahay, kuna boorrin jiray inay rumeeyaan oo ay raacaan.
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬tolkiis aad ayay u jeclaayeen, ilaa heer ay markuu dhintay
taariikhdooda ka tirsan jireen, oo uu sidaas calaamad calaamadaha Makkah\‫ مكة‬ka mid ah uu
noqday.
Erayga Kacb\‫ كعب‬wuxuu ka yimid erayga Al Kacbu\‫ الكعب‬la yiraahdo, oo macnihiisu yahay cad
subag ama baruur ah. Ama wuxuu ka yimid ciribta cagta, oo kacb \‫ كعب‬waxaa kaloo la yiraahdaa
ciribta.
80
Magacda bilaha Carabta zamanka jaahiliyada
Tan iyo inta Kilaab‫ كالب‬laga soo gaaro magacda bilaha ay Carabtu tirsato waxay ahaayeen
sidatan: (1) Mu'tamar\‫مؤتمر‬, looguna bixiyay inuu qofku fartoomayo wuxuu sanadkaas la
yimaado oo uu gooyo. (2) Naajir\‫ناجر‬, kana yimid Al Najr\‫النجر‬, oo ah kulaylka badan. (3)
Khawaan\‫خوان‬, kana yimid khayaano ayadoo ay bishaan ahayd bisha dhiigagga la isku leeyahay
la isaga aar goosto, ka hor intaan Bilaha Xurmada Leh soo gelin. (4) Sawaan\‫( صوان‬waana saad),
kana yimid Al Sayaanah\‫صيانة‬,oo ah dayactirka. (5) Al Zabaa\‫الزبا‬, oo loogu bixiyay badnida
dagaallada dhexdeeda ka dhaca. (6) Al Asammu\‫األصم‬, oo ah dhegoolaha, ayagoo bishaas
dagaalka ka hari jiray, oo aan markaas dhawaaqa hubka iyo sharqantiisa la maqlayn. (7) Al
Waghlu\‫الوغل‬, oo ah midka wax cabbah, ayagoo bishaas khamrada aad u cabbi jiray, intayan
bisha ku xigtah, oo bilaha Xajka ah, soo gelin. (8) Naadhil\‫ناطل‬, oo ah beegga khamrada, looguna
bixiyay siday cabidda ugu talax tegi jireen, beegaasna ay ku cabbi jireen. (9) Al Caadil\‫العادل‬, oo
cadaalad ku tilmaaman, ayadoo ay bilaha Xajka ka mid tahay, ayna xumaanta ka fogaan jireen.
(10) Naatiq\‫ ناتق‬oo ah Al Caathil. (11) Hawaac\‫هواع‬. (12) Barak\‫برك‬, looguna bixiyay inuu geelo
arrunto markuu manxarka lagu gawracayo yimaado. Waxaa kaloo bishaan la oran jiray Al
Maymuun\‫الميمون‬.
Magacda bilaha Carabta
Markaasuu Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬wuxuu u arkay inuu magacda bilahaas beddelo, una
bixiyo wax tusaya dhacdo dhexdeeda ka dhacda, wuxuuna u kala bixiyay: (Kow)
Muxarram\‫محرم‬, ayadoo bishaan dhexdeeda uu dagaal xaaraan yahay. (Laba) Safar\‫صفر‬, oo
macneheedu yahay maran, ayadoo ay goryohoodu raggii ka maran yihiin, ayagoo dagaallo u
baxay, kaddib markay bilihii xurmada lahaa idlaadeen. (Saddex) Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬iyo
(Afar) Rabiicu Al Aakhar\‫ربيع اآلخر‬, ayagoo ay labadaan biloodba intuu roob da'oh, uu arligu
cagaaran yahay, oo rabiic waa doogga. (Shan) Jamaadu Al Uulaa\‫ جماد اآلولى‬iyo (Lix) Jamaadu Al
Aakhar\‫جماد اآلخر‬, ayadoo ay labadaan bilood biyuhu fariistaan. (Toddoba) Rajab\‫رجب‬, oo
macneheedu yahay weyneyn, oo tilaameysa siday ula weyneyd oo ay u weyneyn jireen, oo Al
Tarjiibu wa Al Tacthiimu\‫ التجريب والتعظيم‬oo ah weyneynta. (Sideed) Shacbaan\‫شعبان‬, oo loogu
bixiyay sida u kala tageen oo ay qaaradaha kala duwan u aadeen oo degeen, oo waxay ka timid
tashaccabuu oo shicib waa dariiqa buuraha dhex mara. (Sagaal) Ramadaan\‫رمضان‬, oo loogu
bixiyay kulaylkeeda, sida ayadoo Ramdaa'\‫ رمضاء‬ah, oo ah dhagaxda iyo quruuruxa kulul.
(Toban) Shawwaal\‫شوال‬,oo loogu bixiyay ayadoo uu geelu qooqo, ama ay saynta kor u qaadaan.
(Kow iyo toban) Thu Al Qacdah\‫ذوالقعدة‬, oo ka tirsan bilaha xurmada leh, oo markaas dagaalka
ka fariistaan, oo qacada waxaa weeye waa fariistay. (Laba iyo toban) Thu Al Xajjah\‫ذوالحجة‬, oo
ah bisha la xajjiyo, oo uu xajku dhexdeeda ku jiro.
81
Magacda bilaha krishtaanka
Bilaha ay dadaka Krishtaanka ahi tirsadaan iyo macnohoodu waxaa weeye: (1) January, oo loogu
magac daray Janus oo ahaa sanam ay caabudi jireen oo laba waji lahaa, ahaana ilaahooda
albaabbada laga galo. (2) February, oo ay ugu bixiyeen iidda is daahirinta oo la oran jiray
Februa, oo shan iyo tobanka bishaas ay u iidi jireen. (3) March, ayna ku sammiyeen ilaahooda
Mars magaciisu ahaa, ahaana ilaaha dagaalka iyo beeraha. (4) April, oo ay ku magacaabeen
ilaahadda ay caabudi jireen oo magaceedo ahaa Aphrodite, ahaydna ilaahadda jeceylka ee
Griigga. (5) May, ayna ugu magac dareen ilaahadda ay Roomaanku caabudi jireen oo magaceedu
ahaa Maia, ilaaha Vulcan la yiraahdana saaxiib la ahayd. (6) June, ayna ugu magac dareen
ilaahad talyaaniga la caabudi jiray oo magaceedu Juno ahaa. (7) July, oo lagu sammiyey
Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Julius Caesar, oo bishaas dhashay. (8) August, oo loogu
magac daray Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Augustus Caesar. (9) September, oo ka timid
Septem oo ah toddoba. (10) October, oo ka timid octo oo ah sideed. (11) November, oo ka timid
novem, oo ah sagaal. (12) December, oo ka timid decem, oo ah toban.
Magacda maalmaha toddobaadka ee Carabta
Maalmaha toddobaadka oo ay Muslimiintu tirsadaan waa sidatan: (Axas) Axad\‫األحد‬, oo ah
koowaad, oo waa maalinta koowaad ee toddobaadka. (Laba) Isniin\‫اإلثنين‬, oo ah midda labaad, oo
waa maalinta labaad ee toddobaadka. (Saddex) Talaado\\‫الثالث‬, oo ah saddexaad, oo waa maalinta
saddexaad ee asbuuca. (Afar) Arbaco\‫األربعاء‬, oo ah afaraad, oo waa maalinta afaraad ee
toddobaadka. (Shan) Khamiis\‫الخميس‬, oo ah shanaad, oo waa maalinta shanaad ee asbuuca. (Lix)
Jimce\‫الجمعة‬, oo ah maalinta la kulmo. (Toddoba) Sabti\‫السبت‬, oo macneheedu yahay ka joogsi,
waana maalinta toddobaad ee asbuuca.
Magacda maalmaha toddobaadka ee krishtaanka
Maalmaha ay Krishtaanku tirsadaanna waa sidatan: (1) Sunday, oo ah maalinta qorraxda, oo sun
waa qorraxda. (2) Monday, oo ah maalinta dayaxa, oo moon waa dayaxa. (3) Tuseday, oo ah
maalinta Tiw, oo ah sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen ayna yiraahdeen waa ilaaha
dagaalka. (4) Wednesday, ahna maalinta Madaxa ilaahyaday caabudi jireen oo magaciisu ahaa
Woden, oo arliga Jarmanka laga caabudi jiray. (5) Thursday, oo ah maalinta Thor, oo uu
Jarmanku u caabudi jiray inuu yahay ilaaha cirka. (6) Friday, oo ah maalinta Fria, oo ahayd
ilaahadda ay Jarmanku u caabudi jireen inay tahay ilaahadda jeceylka. (7) Saturday, oo ah
maalinta sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen oo magaciisu Saturn ahaa.
Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬wuxuu Quraysh\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬dibaddeeda uga qoday ceelal,
ayna ka mid yihiin ceelka la yiraahdo Khum\‫ خم‬iyo ceelka la yiraahdo Al Xufru\‫الحفر‬.
82
Kacb‫ كعب‬ilmihiisa
Kacb bin Lu'ayy‫ كعب بن لؤي‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
(Kow) Murratu bin Kacb\‫مرة بن كعب‬,
(Laba) Cadiyyu bin Kacb\‫ عدي بن كعب‬oo ay ka farcantay Qurayshta\‫ قريش‬Banuu Cadiyy\‫ بنوعدي‬oo
uu Cumar bin Al Khdh-dhaab\‫ أمير المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب‬ku abtirsado, Allaha raalli ka
ahaadee, iyo
(Saddex) Husays bin Kacb\‫هصيص بن كعب‬. Husays\‫ هصيص‬waxaa la yiraahdaa qabadka faraha
gacanta oo wax lagu qabto.
Saddexdoodaas walaalaha ahna waxaa dhashay Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin
Fihr bin Maalik bin Al Nadr\‫ وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر‬.
Kacb‫ كعب‬walaalihiisa
Kacb bin Lu'ayy‫ كعب بن لؤي‬waxaa la dhashay dadka soo socota:
(Kow) Caamir bin Lu'ayy\‫عامر بن لؤي‬,
(Laba) Saamatu bin Lu'ayy\‫سامة بن لؤي‬,
(Saddex) Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن لؤي‬,
(Afar) Al Xaarithu bin Lu'ayy\‫الحارث بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Jusham bin
Al Xaarith\‫جشم بن الحارث‬,
(Shan) Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Bunaanatu\‫ بنانة‬oo
Shaybaan\‫ شيبان‬ka tirsanaa, looguna bixiyay haweeney magaceeda Bunaanatu\‫ بنانة‬la oran jiray
oo xannaaneyn jirtay.
Waxaa zamankii Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, Cumar\‫ عمر‬u
yimid rag ah faricii Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬, uuna hoggaaminayo ninka la yiraahdo Abuu Al
Dahmaa'\‫أبو الدهماء‬, kaasoo Cumar\‫ عمر‬la hadlay oo weydiistay inuu qabiilkooda Quraysh\‫قريش‬
ahaan u aqoonsado, Qurayshna\‫ قريش‬uu ku daro oo ka daba geeyo.
Codsigaas Cumar\‫ عمر‬waa ka diiday.
Markaasuu Cuthmaan bin Caffaan Thaa Al Nurayn\‫عثمان بن عفان ذا النورين‬, Allaha raalli ka
noqdee, wuxuu Cumar\‫ عمر‬u sheegay inuu aabihiis Caffaan\‫ عفان‬isaga u sheegay runnimada
nasabkoodu inuu Quraysh\‫ قريش‬yahay iyo sababta ay Qurayshtii\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬degganaeyd
uga tageen oo uga guureen.
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu raggaas ballamiyay inay sanadka midkaas ku xigah u yimaadaan,
markaasoo uu Quraysh\‫ قريش‬ku darayo. Markaasaa markay ka gaddoomeen waxaa la dilay Abuu
Al Dahmaa'\‫أبوالدهماء‬, markaasey amarkiisa ku mashquuleen ilaa uu Cumar\‫ عمر‬ka dhintay,
Allaha raalli ka noqdee.
83
Markaasuu Cuthmaan\‫ عثمان‬Quraysh\‫ قريش‬ku daray, markuu hoggaanka Dawladda Islaamka
qabtay.
Markuu Calii\‫علي‬, Allaha raalli ka noqdee, hoggaanka qabtay, ayuu Quraysh \‫ قريش‬ka saaray,
nasabkoodana uu u celiyay Shaybaan\‫شيبان‬, oo ah jilibka ay qabiilka wayn ee Rabiicah \‫ ربيعة‬la
yiraahdo kala degeen. Rabiicah\‫ ربيعة‬waxaa ka tirsan Aali Sacuud\‫ آل سعود‬oo hadda dalka
sucuudiga u taliya.
(6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\‫خزيمة بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo
Caa'ithatu\‫عائذة‬.
Raggaas oo idil waxaa dhashay isku hooyo, ahna hooyada dhashay Kacb bin Lu'ayy ‫ كعب بن لؤي‬,
intaan ka ahayn Caamir bin Lu'ayy\‫ عامر بن لؤي‬oo hooyadiis la yiraahdo Makhshiyyatu bintu
Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\‫مخشية بنت شيبان بن محارب بن فهر‬. Waxaa kaloo la yiri: hooyadiis
waa Laylaa bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\‫ليلى بنت شيبان بن محارب بن غهر‬.
Saamatu bin Lu'ayy\‫ سامة بن لؤي‬Makkah\‫ مكة‬wuu ka guuray, wuxuuna degey Cummaan\‫عمان‬,
waxaana la yiri waxaa Makkah\‫ مكة‬ka saaray walaalkiis Caamir\‫عامر‬, sababtuna ay ahayd inay
wax dhex mareen, oo uu markaas Saamatu\‫ سامة‬walaalkiis Caamir\‫ عامر‬il kasoo saaray oo uu
ishii tiray.
Markaasuu Caamir\‫ عامر‬cabsiiyey, Saamatuna\‫ سامة‬uu Cummaan\‫ عمان‬u guuray. Waxaa la yiri in
Saamatu\‫ سامة‬isagoo hashiisa saaran ayay hashii madaxeeda intay dhulka saartay ayay daaqday.
Markaasuu mas faruuryaha ka qaniinay, oo uu bashimihii goostay. Markaasey hashii dhinac u
dhacday, isagiina uu la dhacay. Markaasuu maskii Saamatana qaniinay oo uu dilay.
Saamatu\‫ سامة‬markuu arkay inuu dhimanayo, ayuu gabay tiriyay uu ku abtirsaday, oo uu
walaalihiis Caamir\‫ عامر‬iyo Kacb\‫ كعب‬salaan u diray, uuna ogeysiinayo inuu u hiloobay
araggooda, iyo in inkastoo uu Cummaan\‫ عمان‬deggan yahay uu ina Ghaalib\‫ غالب‬yahay (oo ah
awoowihiisa aabihiis Lu'ayy\‫ لؤي‬dhalay), uuna reer Makkah\‫ مكة‬yahay, halkaasna uu kasoo
baxay.
Qaar Saamatu\‫ سامة‬faraciisa ka mid ah ayaa waxay u yimaadeen Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay markaas Saamatu bin Lu'ayy\‫ سامة بن لؤي‬ku abtirsadeen.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫"آلشاعر؟‬
"Aa Al Shaaciri?",
oo macneheedu yahay:
84
"Gabayaagiibaa?"
Markaasuu nin asxaabtii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, intuu tix gabaygii
Saamatu\‫ سامة‬tiriyay wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaad mooddaa inaad u dan leedahay
hadalkiisii uu yiri (oo uu tixda ka wado)?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أجل‬
"Ajal" oo ah: "Haa".
Amarka Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن مؤي‬
Cawf bin Lu'ayy\‫ عوف بن مؤي‬Makkah\‫ مكة‬ayuu ka baxay isagoo Safar Quraysh\‫ قريش‬la socda,
sida la yiri, markaasuu markay arliga qabiilka Ghadhafaan bin Sacd bin Qays bin Caylaan ‫غطفان‬
\‫ بن سعد بن قيس بن عيالن‬marayaan, ayuu gaabiyay oo ay raggii kale oo Safarku meeshaas uga
tageen. Markaasaa waxaa u yimid ninka la yiraahdo Thaclabah bin Sacd‫ثعلبة بن سعد‬, markaasuu
arligooda ku reebay, uuna u naxariistay, uuna u guuriyay, walaalna ka yeeshay. Markaasuu
Cawf\‫ عوف‬wuxuu ku abtirsaday qabiilka Ghadhafaan\‫غطفان‬, dhashiisiina ay madaxda iyo
hoggaamiyayaalka Ghadhafaan\‫ غطفان‬noqdeen.
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬waxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo nasabka Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير المؤنين‬
\‫أبوحفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee.
Lu'ayy\‫لؤي‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideedaad waa Lu'ayy bin
Ghaalib\‫ لؤي بن غالب‬. Waxaa la yiri erayga Lu'ayy\‫ لؤي‬macnihiisu waxaa weeye dibi
duureedka. Waxaa kaloo la yiri eraygu wuxuu ka yimid Al La'yu \‫ الألي‬oo macneheedu yahay
aayar, ha degdegin. Waxaa kaloo la yiri waa saca. Lu'ayy\‫ لؤي‬koofaartiisu waa Abuu
Kacb\‫أبوكعب‬.
Lu'ayy\‫ لؤي‬ilmihiisa
Lu'ayy\‫ لؤي‬wuxuu dhalay toddoba nin oo kala ah: 1. Kacb bin Lu'ayy\‫كعب بن لؤي‬. (2) Caamir
bin Lu'ayy\‫عامر بن لؤي‬. (3) Saamatu bin Lu'ayy\‫سامة بن لؤي‬. (4) Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن لؤي‬. (5)
Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬. (6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\‫خزيمة بن لؤي‬. (7) Al Xaarithu bin
85
Lu'ayy\‫الحارث بن لؤي‬. Raggaas waxaan kasoo warbixinnay markaan kasoo hadalnay Kacb bin
Lu'ayy‫كعب بن لؤي‬.
Lu'ayy‫ لؤي‬walaalihiis
Lu'ayy bin Ghaalibb\‫ لؤي بن غالب‬waxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo:
(Kow) Taym bin Ghaalib\‫تيم بن غالب‬. Taym\‫ تيم‬iyo Lu'ayy\‫ لؤي‬waa isku hooyo, waxaana dhashay
Salmaa bintu Camr Al Khuzaaciyyi\‫سلمى بنت عمرو الخزاعية‬. Taym bin Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬waxaa
ka farcamay qabiil la yiraahdo Banuu Al Adram\‫بنو األدرم‬. Eraygaan adram\‫ أدرم‬wuxuu ka yimid
Al Darmaanu\‫ الدرمان‬oo macnihiisu yahay tillaabooyin isku dhowdhow. Sidoo kale Al Darmu
\‫ الدرم‬waxaa la yiraahdaa cagta buuxda oo aan rays ma gadhaado lahayn.
(Laba) Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬, oo ay hooyadiisna tahay hooyada labadiisa walaal ee kore
dhashay.
Lu'ayy\‫ لؤي‬iyo Badr\‫بدر‬
Makkah\‫ مكة‬ayaa waxaa ka baxay Safarka Makkah\‫مكة‬, ayadoo uu hoggaaminayo ninka la
yiraahdo Badr bin Yakhlud bin Al Xaarith bin Yakhlud bin Al Nadr ‫بدر بن يخلد بن الحارث بن يخلد بن‬
\‫النضر‬, ayna ragga la socda ay ka mid yihiin Lu'ayy bin Ghaalib \‫ لؤي بن غالب‬iyo Taym bin
Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬iyo Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬.
Safarku wuxuu qaaday xeebta Badda Cas. Xeebtaas maalintu aad ayay u kulushahay, marka
kulaylkaas daraadiis ayuu Safarku habeenkii socon jiray, maalintiina uu degi jiray oo ay
qorraxda iyo kulaylka ka harsan jireen.
Kulaylkaas badan daraadiis ayaa waxaa badatay biyihii la cabbayey, ha ahaato xagga ragga ama
geelaba. Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬usoo dhowaaday ayay
bihiyii ku sigteen inay dhammaadaan.
Markaasuu hoggaamiyihii Safarku, Badr\‫بدر‬, wuxuu u arkay inay lagama maarmaan tahay inuu
ceel qodo ay ka cabbaan, dabadiisna ay Safarradu ka waraabaan intay ku jiraan Makkah \‫ مكة‬iyo
Madiinah\‫ المدينة‬dhexdooda.
Bartaas waxay u jirtaa Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬dhowr maalmood oo socod ah.
Markaasey raggi ceel qodeen. Markay biyihii gaareen oo ay soo burqadeen, ayay farxeen, ayna
yiraahdeen:
"Biyihii (ceelkii ) Badr\‫"ماء بدر‬.
Ceelkaas ayuu Safarkii ka cabbay, waana barta kaddib magacaas u kici doono oo la yiraahdo
Badr\‫بدر‬, ahna meeshuu ka dhacay dagaalkii Badr\‫بدر‬.
86
Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬tegey, ayay ganacsigooda ay u
yimaadeen u keceen, oo waxay siteenna iibiyeen, waxay u baahnaayeenna gateen, sida badar iyo
hub. Markay Makkah\‫ مكة‬kusoo laabteen ayay waxay yimaadeen ayadoo ay reer Makkah \‫مكة‬
heegan ku jiraan oo ay hub qaateen oo ay dagaal isku diyaariyeen, waana:
Xasaan\‫حسان‬, Boqorka Yaman\‫ يمن‬oo Kacbada kusoo duulay
Markaasey waxay wareysteen waxa dhacay oo hubka loo qaaday, waxaana loo sheegay inuu
Boqorka Yaman\‫ يمن‬ee la yiraahdo Xasaan bin Cabdi bin Kulaal bin Mathuu Thii Xuraath Al
Ximyarii\‫ حسان بن كالل بن مثوب ذي حراث الحميري‬, uu Yaman\‫ يمن‬ka yimid isagoo hoggaaminaya
raggii qabiilkiisa Ximyar\‫ حمير‬iyo ciidan wayn oo ka kooban qabaa'ilka kale oo Yaman\‫يمن‬
degah, ujeedadiisuna ay tahay inuu Kacbada furfurto oo uu dhagaxdeeda Yaman \‫ يمن‬u rarto uuna
halkaas ka dhiso, si uu dadku dalkiisa usoo xajjiyo.
Xasaan\‫ حسان‬wuxuu degay meesha la yiraahdo Nakhlata\‫نخلة‬, kuna taalla xuduudda Xaramaka
Makkah\‫مكة‬.
Markaasuu Xasaan\‫ حسان‬xoolihii reer Makkah\‫ مكة‬oo dooxadaas daaqayey intuu weeraray
dhacay, dadkiina dariiqa u joogsaday oo uu ka gooyey, wuxuuse ka baqay inuu Makkah\‫ مكة‬galo,
oo Ilaahay ayaa qalbigiisa cabsi iyo argagax ku riday, oo markuu xaggeeda u dhaqaaqaba cabsi
iyo argagax ayuu la joogsadaa.
Markaasuu Fihr bin Maalik\‫فهر بن مالك‬, (ahna ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo oo ah awoowaha
tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ayna Quraysh
\‫ قريش‬oo idil ku abtirsato) oo ahaa hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬, ahna ninka la yiraahdo
Quraysh\‫قريش‬, ahna Lu'ayy\‫ لؤي‬awoowihiisa dhalay aabihiis Ghaalib\‫غالب‬, intuu ciidankii
Makkah\‫ مكة‬soo hogaamiyay ayuu Xasaan\‫ حسان‬soo aaday.
Markaasey labadii ciidan iska hor yimaadeen oo ay dagaallameen. Fihr ‫ فهر‬oo raggiisa dagaalka
ku boorrinaya ayaa wuxuu yiri:
".‫ هذا يوم ينفع الصابرين صبرهم‬.‫"هذا يوم له ما بعده‬
“Haathaa yawmun lahu maa bacdahu. Haathaa yawmun yanfacu al ssabiriina sabruhum.’
Oo macnihiisu yahay:
"Maanta waa maalin inta ka dambeysa iska leh, maanta waa maalin kan adkeysta uu adkeysigu
wax tarayo."
87
Markaasaa Ximyariinta rag badan laga dilay. Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬, Lu'ayy\‫ لؤي‬adeerkiis,
intay xamaasaddii dagalku qaaday, ayuu sufuufta cadawga dagaal la dhex galay, markaasuu nin
Yamani\‫ يمني‬ahi dilay, oo uu Qays\‫ قيس‬halkaas ku dhintay.
Markaasey reer Makkah\‫ مكة‬sii caroodeen oo ay cadawgii laayeen, Ilaahayna uu quluubtii
Ximyariinta cabsi iyo argagax ku riday, oo ay baqdeen, oo intay dhabarka jeediyeen ay carareen,
ayagoo Boqorkoodii Xasaan bin Cabdi bin Kulaal\‫ حسان بن عبد كالل‬ka cararay.
Boqorkii waxaa gacanta ku dhigay oo qafaashay reer Makkah \‫مكة‬, waxaana Makkah‫ مكة‬la soo
geliyay isagoo silsilado ku xiran oo dulleysan oo ceeboobey.
Xasaan‫ حسان‬wuxuu Makkah\‫ مكة‬ku xabbisnaa saddex sano, kaddibna wuxuu reer Makkah\‫مكة‬
usoo jeediyay inuu maal isku furto oo ay sii daayaan. ayaguna way ka yeeleen. Markuu maalkuu
isku furan lahaa Yaman\‫ يمن‬ka yimid oo uu bixiyay, Xasaan\‫ حسان‬waa la sii daayey.
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬ka baxay, oo uu xagga Yaman\‫ يمن‬u kacay.
Markuu meel dariiqa ka mid ah marayo, ayuu daabaddiisa kasoo degey, si uu u nasto. Halkaas
ayayna naftu kaga baxday, oo uu ku dhintay, ninkii Makkah\‫ مكة‬u yimid inuu Kacbda, Guriga
Ilaahay, dhagax dhagax u furfurto oo uu dalkiisa Yaman \‫ يمن‬la aado, halkaasna uu Kacbada ka
dhiso si dadku dalkiisa ay usoo xajjiyaan.” Intaasuu warka Al Ssaxxaar\‫ السحار‬ku egyahay.’
Ghaalib\‫غالب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaalaad waa Ghaalib bin
Fihr\‫ غالب بن فهر‬, oo ay koofaartiisu Abuu Taym\‫ أبوتيم‬tahay. Ghaalib\‫ غالب‬hooyadiisa
dhashay waxaa weeye Laylaa bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Ghaalib\‫ غالب‬ilmihiisa
Ghaalib bin Fihr‫ غالب بن فهر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
(Kow) Lu'ayy bin Ghaalib\‫ لؤي بن غالب‬, oo aan kasoo warbixinnay.
(Labo) Taym bin Ghaalib\‫تيمم بن عالب‬, oo uu ka farcamay qabiilka la yiraahdo Banuu Al
Adrami\‫بنو األدرم‬. Al Adramu\‫ األدرم‬waxaa la yiraahdaa qofkaan rays ma gaadho lahayn. Waxaa
kaloo la yiraahdaa qofka garkiisu yar yahay oo uu naaqus yahay, sidaasoo uu Taym bin
Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬ahaa. Banuu Al Adrami\‫ بنو األدرم‬waa Qurayshta\‫ قريش‬miyiga Makkah‫مكة‬
degtah, aanse Makkah\‫ مكة‬degin, lana yiraahdo Qurayshu Al Thawaahiri \‫قريش الظواهر‬.
Qurayshtaas\‫ قريش‬miyiga degtah waxay ka kooban tahay:
(Kow) Banuu Al Adram\‫بنو األدرم‬,
(Laba) Banuu Muxaarib\‫بنو محارب‬,
88
(Saddex) Banuu Caamir bin Lu'ayy\‫بنو عامر بن لؤي‬. intaan helay.
Qurayshta\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬degtansa waxaa la yiraahdaa Qurayshu Al Bidhaax\‫قريش البطحاء‬,
kana kooban:
(Kow) Banuu Haashim\‫بنو هاشم‬,
(Laba) Banuu Taym\‫بنوتيم‬,
(Saddex) Banuu Cabdu Shams\‫بنو عبد شمس‬,
(Afar) Banuu Nawfal\‫بنونوفل‬,
(Shan) Banuu Cabda Al Ddaar\‫بنوعبد الدار‬,
(Lix) Banuu Asad\‫بنوأسد‬,
(Toddoba) Banuu Makhzuum\‫بنومخزوم‬,
(Sideed) Banuu Cadiyyi\‫بنوعدي‬,
(Sagaal) Banuu Sahm‫بنوسهم‬,
(Toban) Banuu Jumax\‫بنوجمح‬.
(Kow iyo toban) Banuu Zuhrah\‫بنوزهرة‬
Banuu Haashim‫ بنو هاشم‬iyo Banuu Cabdu Shams‫ بنو عبد شمس‬waxaa la isku yiraahdaa Banuu
Cabdu Manaaf\‫بنوعبد مناف‬, oo sidaasay tobankaas ku noqonayaan.
(Saddex) Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬. Saddexdaas nin waa isku hooyo, waxaana dhashay
Salmaa bintu Kacb bin Camr Al Khuzaaciyyi\‫سلمى بنت كعب بن عمرو الخزاعي‬.
Ghaalib\‫غالب‬walaalihiisa
Ghaalib‫ غالب‬aabihiis Fihr bin Maalik‫ فهر بن مالك‬wuxuu dhalay:
(Kow) Ghaalib bin Fihr\‫غالب بن فهر‬.
(Laba) Al Xaarithu bin Fihr\‫الحارث بن فهر‬.
(Saddex) Asad bin Fihr\‫أسد بن فهر‬.
(Afar) Jandalatu bintu Fihr\‫جندلة بن فهر‬.
Ilmo Fihr‫ فهر‬dhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa bintu Sacd bin
Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Fihr‫فهر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowahiisa tobanaad waa Fihr bin
Maalik‫فهر بن مالك‬.
Fihr‫ فهر‬waa koofaar, oo magaca ay hooyadiis u bixisay waa Quraysh\‫قريش‬. Fihr hooyadiis waa
Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi\‫جندلة بنت الحارث بن مضاض الجرهمي‬, kanoo
aan ahayn Mudaad Al Akbar\‫مضاض األكبر‬, oo horreeyey.
89
Dhasha Fihr‫ فهر‬ayaa Quraysh‫ قريش‬la yiraahdaa, oo ciddaan isaga ku abtirsan Quraysh \‫ قريش‬ma
aha.
Erayga Quraysh‫ قريش‬macnihiisu waxaa weeye: "Baare", oo Fihr‫ فهر‬iyo wiilashiisuba waxay
baari jireen danaha iyo xaajooyinka uu dadku leeyahay iyo waxay u baahan yihiin, markaasey
helidda danahaas u qumi jireen, oo uu isaguna maalkiisa ka bixin jiray.
Muusinka xajkana wuxuu xujeyda siin jiray saad iyo waxay u baahan yihiin. Fihr ‫ فهر‬wuxuu ahaa
nin deeqsi kariim ah.
Erayga Quraysh\‫ قريش‬waxaa kaloo la yiraahdaa isku imaadka iyo kulanka, oo way is jeclaayeen,
kulankooduna badnaa. Quraysh\‫ قريش‬waxaa kaloo la yiraahdaa ganacsiga. Waxaa kaloo erayga
Quraysh\‫ قريش‬ka yimid kalluunka la yiraahdo Al Qurshu\‫القرش‬, oo ah kalluun badda ku jira oo
kalluunka kale cuna, waana libaax badeedka, kaasoo aabaha qabiilka Quraysh\‫ قريش‬dhalay lagu
sammiyay.
Fihr‫ فهر‬waxaa la yiraahdaa dhagaxa sulubka ah oo sacab muggiis ah. Fihr‫ فهر‬madi ayuu ahaa,
oo walaalo lama dhalan.
Fihr‫ فهر‬ilmihiisa
Fihr bin Maalik\‫ فهر بن مالك‬wuxuu dhalay afar nin iyo gabar, kala ah:
(Kow) Ghaalib bin Fihr\‫غالب بن فهر‬.
(Laba) Al Xaarithu bin Fihr\‫الحارث بن فهر‬.
(Saddex) Asad bin Fihr\‫أسد بن فهر‬.
(Afar) Jandalatu bintu Fihr\‫جندلة بنت فهر‬.
Ilmo Fihr‫ فهر‬dhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa bintu Sacd bin
Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Maalik‫مالك‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo tobnaad waa Maalik
bin Al Nadr\‫مالك بن النضر‬. Maalik‫ مالك‬hooyadiis waa Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin
Qays bin Caylaan\‫عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن‬.
Maalik‫ مالك‬wuxuu ahaa madaxa iyo hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬, isaagana mararka qaarkood
Safarradooda ganacsiga hoggaamin jiray. Markay taasi dhacdana waxaa la heli jiray ribix iyo
90
faaiido badan, isagoo uu Maalik‫ مالك‬ganacsiga ku xeel dheeraa. Sidaas ayuu hodan ku noqday,
oo uu maal badan u yeeshay, ilaa heer uu geeliisii dooxooyinka iyo daaqsiinta Makkah \‫ مكة‬oo
idil daboolay.
Maalik‫ مالك‬iyo Saabuur Thaa Al Aktaaf\‫سابور ذا األكتاف‬
Zamanka Maalik‫ مالك‬waxaa dalka Iraan\‫ إيران‬boqor u ahaa ninka la yiraahdo Saabuur Thaa Al
Aktaaf\‫ سابور ذا األكتاف‬.
Thaa Al Aktaaf\‫ سابور ذا األكتاف‬macneheedu waxaa weeyey midka garbaha u saaxiibka ah, oo Al
Katafu\‫ األكتاف‬waa garabaha, waxaana koofaartaas loogu bixiyay isagoo Carab oo idil cadaabi
jiray, oo garbaha ayuu ka dhilqin jiray, quluubtoodana uu cabsi iyo argagax ku riday. Cid
taqiinnay sababtu uu Carabta u colaadinayana ma ayan jirin.
Markaasuu Maalik bin Al Nadr\‫ مالك بن النضر‬u qasday inuu u tago oo uu arrinka Carabta kala
hadlo. Sidaas ayuu Maalik‫ مالك‬wuxuu u hoggaamiyay Safarkii Makkah\‫مكة‬. Safarku wuxuu sii
maray Al Xiirata\‫ الحيرة‬degmada la yiraahdo, oo Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla, uuna Boqor Carbeed u
taliyay, kase tirsanayd Boqortooyada Iiraan oo xoog ku haysatay.
Halkaas ayuu Safarku badeecadahuu sitay, una badnaa dahab iyo qalin ay buuraha Makkah \‫مكة‬
kasoo qoteen, iyo cadar, suuqa ku iibiyay, ayna halkaas ka gateen qamadi iyo badar.
Carabta degmadaas deggan waxay ahaayeen Nasaaraa haysata math-habka Al
Yacquubiyyah\‫ اليعقوبية‬la yiraahdo, oo aaminsanayd inuu Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, nin
bashar\‫ بشر‬ah ahaa.
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu qasrigiisa ugu tegey Boqorkooda oo magaciisu ahaa Camr bin
Imri'u Al Qays\‫عمرو بن امرأ القيس‬, kaasoo Maalik‫ مالك‬si fiican usoo dhoweeyey, oo dhiniciisa
fariisiyay.
Camr\‫ عمرو‬wuxuu Maalik‫ مالك‬kala hadlay diinta masiixiga. Majliskaas waxaa ayaguna fadhiyay
rag kale oo doodaas ka qayb qaatay. Kaddib raggii kale majliska way ka keceen, oo ay kala
tageen, waxaana isku soo haray Maalik‫ مالك‬iyo Camr bin Imri'u Al Qays\‫ عمرو بن امرأ القيس‬,
Boqorka Al Xiirata\‫الحيرة‬.
Markay isku kaliyeeysteen, ayuu Maalik‫ مالك‬wuxuu Camr\‫ عمرو‬u sheegay ujeedada Safarkiisa oo
ahayd inuu la kulmo Boqorka Iiraan\‫ إيران‬ee Saabuur\‫سابور‬, uuna kala hadlo inuu Carabta
cadaabta ka daayo.
91
Camr\‫ عمرو‬hadalkaas Maalik‫ مالك‬waa u bogay, wuuna geesinnimo geliyay, lana taliyay. Kaddib
Safarkii Al Xiirata\‫ الحيرة‬waa ka ambabaxay, wuxuuna aaday magaalada la yiraahdo
Dhiisafuun\‫طيسفون‬, oo uu Saabuur\‫ سابور‬ku sugnaa. Magaaladaani waxay ku tiillay jinka Bari ee
wabiga Dijlah\‫نهر دجلة‬, waxaana ku wareegsanaa darbi wayn oo xoog leh, irrid magaalada looga
galana leh.
Safar kasta oo ganacsi, intuusan albaabkaas ka gelin waxaa halkaas looga qaadi jiray canshuur,
kaddibna albaabka ayaa loo furi jiray inay ka galaan. Markuu Safarkii Maalik‫ مالك‬magaladaas
galay, waxay tageen suuqa, halkaasoo ay ganacsigooda guda galeen oo ay ku dhaqaaqeen.
Markuu hawshii ganacsiga ka soo jeestay, Maalik‫ مالك‬wuxuu aaday qasriga Saabuur\‫سابور‬,
wuxuuna u galay Boqorkaas.
Maalik‫ مالك‬markuu Boqorkaas soo hor istaagay wuxuu weydiistay inuu siiyo amni iyo nabad
gelyo iyo inuusan wax u dhimin markuu ku hadlo wuxuu Boqorka ugu yimid. Saabuur \‫سابور‬
markuu hadalkaas hoggaamiyaha Makkah\‫ مكة‬maqlay wuu ku farxay, wuxuuna u sheegay inuu
codsigiisa yeelay oo uu amni iyo nabadgelyo siiyay, wuxuu doonana uu ku hadlo, dhiniciisa
ayuuna fariisiyay.
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu Saabuur\‫ سابور‬ku yiri:
"Boqorow ma ii oggolaaneysaa inaan ku hadlo su'aal laabteyda ku laablaabaneysa oo
culeysiisay?"
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu ku yiri:
"Ku hadal waxaad doontid, aniguna waan ku dhegeysanayaa".
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, maxaad Carabta u dhibtaa?"
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Al Munajjimuuna\‫المنجمون‬, (oo ah kuwa xiddigaha ku faaliya) waxay ii sheegeen inuu Carabta
kasoo bixi doono nin ay gacantiisa Boqortooyada Iiraan\‫ إيران‬ay ku baaba'ayso, diintoodana
duminaya".
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, ma dhici kartaa inay faaliyayaalku been sheegeen?"
Markaasuu Saabuur\‫ سابور‬oo ay cabsi ka muuqato, intuu si fiican u fariistay, wuxuu yiri:
"Odorosidda Saasaan-na\‫"?ساسان‬
Saasaan\‫ ساسان‬waa awoowaha Saabuur\‫ سابور‬oo Boqorka Iiraan\‫ إيران‬ahaan jiray.
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Oo muxuu odorosay?"
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
92
"Saasaan\‫ ساسان‬wuxuu odorosay inay Iiraan\‫ إيران‬markay falal xun sameyso uu Carabta kasoo
bixi doono nin qaadanaya oo la tegaya carshiga boqortooyada Iiraan \‫إيران‬, oo gacantiisa ku
dhigaya, oo ay markaas madaxdii Iiraan\‫ إيران‬raaciye loo taliyo noqonayaan, macbadda
ilaahyadeenana iyo meeshaan asnaamta dhiganno iyo meeshaan dabka muqaddaska ah ku
shidanno (oo waxay ahaayeen Majuus\‫ مجوس‬dabka caabudda) uu ka dhigi doono Guri camiran
oo laga buuxo, ayanna ku oollin masawirro iyo asnaam toona. Carabtu waxay qaadan doontaa
Macbadyada Majuuska, waxayna gacanta ku dhigi doonaan Tuus \‫ توس‬iyo Balkh\‫ بلخ‬iyo inta kale
ee arligeenna wayn. Kuwa xiddigaha ku faaliyana been ma sheegaan."
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Hadday run sheegayaan, ha sheegaan qabiilkuu ninkaasi ka dhalan doono."
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Hadday taas ogaan lahaayeen, qabiilkaas oo idil ayaan baabi'in lahaa, Carabta inteeda kalena
dhiiggooda ma daadiyeen."
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, hadday faaliyayaalku run sheegeen, oo ay taasi ahaan doonto dhacdo ahaaneysa,
daadinta dhiigga Carabtu dhiciddeeda ma hor istaagi karaa?"
Saabuur\‫ سابور‬intuu baraarugay, oo uu hadalka Maalik‫ مالك‬dhuuxay, oo uu cabbaar aamusnaa,
ayuu wuxuu yiri:
"Run ayaad sheegtay, oo wax ahaan doona anigu awood kuma lihi."
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, Carabta u tur oo u naxariiso, si uu idiinku turo oo uu idiinku naxariisto ninkaas Carab
kasoo bixi doona, Ilaahayna uu isaga libta idinka siin doono oo idinka adkaanaya."
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Carab waan ka daayay cadaabid iyo dilba."
Sidaas ayuu Saabuur\‫ سابور‬yeelay, Maalikna‫ مالك‬uu Makkah\‫ مكة‬dib ugu soo laabtay, isagoo
ergeyntiisii kusoo liibaanay oo guuleystay.
Maalik‫ مالك‬ilmihiisa
Maalik‫ مالك‬wuxuu dhalay ninka la yiraahdo Fihr bin Maalik\‫ فهر بن مالك‬oo Quraysh\‫ قريش‬ah,
hooyadiisna ay tahay Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi ‫جندلة بنت الحارث بن‬
\‫مضاض الجرهمي‬.
Maalik‫ مالك‬walaalihiis
Maalik‫ مالك‬aabihiis Al Nadr bin Kinaanata\‫ النضر بن كنانة‬wuxuu dhalay:
93
(Kow) Maalik bin Al Nadr\‫مالك بن النضر‬.
(Laba) Yakhlud bin Al Nadr\‫يخلد بن النضر‬.
(Saddex) Al Saltu bin Al Nadr\‫الصلت لن النضر‬.
Saddexdaas nin hooyadood waa Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan ‫عاتكة‬
\‫بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن‬.
Al Nadru\‫النضر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowihiisa labo iyo tobnaad waa Al
Nadru bin Kinaanata\‫ النضر بن كنانة‬.
Al Nadr\‫ النضر‬hooyadiis waa Barratu bintu Murr bin Udd bin Dhaabikhata bin Ilyaas bin Mudar
(waa daad dhibic kor ku leh)\‫برة بنت مر بن أد بن طابخة بن إلياس بن مضر‬.
Al Nadr\‫ النضر‬waa koofaar, looguna bixiyay quruxdiisa oo Al Nadratu\‫ النضرة‬waa quruxda,
magaciisuna waa Qays\‫قيس‬, isagaana ahaa hoggaamiyaha tolkiisa reer Kinaaniyiinta \‫الكنانيين‬,
kuna abtirsada isaga aabihiis Kinaanatu\‫كنانة‬.
Erayga Al Anadr\‫ النضر‬waxaa kaloo la yiraahdaa dahabka guduudan.
Al Nadru\‫ النضر‬ilmihiisa
Al Nadr\‫ النضر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
(Maalik) Maalik bin Al Nadr\‫مالك بن النضر‬, oo aan kasoo warbixinnay.
(Laba) Yakhluda bin Al Nadr\‫يخلد بن النضر‬, iyo
(Saddex) Al Saltu bin Al Nadr\‫الصلت بن النضر‬.
Saddexdaas nin waa isku hooyo, waxaana dhashay Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays
bin Caylaan\‫ عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن‬.
Al Nadru‫ النضر‬walaalihiisa
Al Nadr‫ النضر‬aabihiis Kinaanatu bin Khuzaymata\‫ كنانة بن خزيمة‬wuxuu dhalay caruurta soo
socota:
(Kow)Al Nadr bin Kinaanata\‫النضر بن كنانة‬.
(Laba) Maalik bin Kinaanata\‫مالك بن كنانة‬.
(Saddex) Cabda Manaat bin Kinaanata\‫عبد مناة بن كنانة‬.
(Afar) Milkaan bin Kinaanata\‫ملكان بن كنانة‬.
Al Nadr‫ النضر‬iyo Maalik\‫ مالك‬iyo Milkaan‫ ملكان‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin
Murr\‫برة بنت مر‬. Cabda Manaat\‫ عبد مناة‬hooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al
Ghadhriif\‫هالة بنت سويد بن الغطريف‬, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\‫أزد شنوءة‬, Shanuu'ah
‫ شنوءة‬magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa
94
saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) ‫عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن‬
\‫مالك بن نصر بن األسد بن الغوث‬, waxaana Shanuu'ah‫ شنوءة‬loogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu
shana'aan\‫ شنآن‬dhex maray, kaasoo nacayb ah.
(Shan) Caamir bin Kinaanata\‫عامر بن كنانة‬.
(Lix) Al Xaarithu bin Kinaanata\‫الحارث بن كنانة‬.
(Toddoba) Al Nadiir bin Kinaanata\‫النضير بن كنانة‬.
(Sideed) Ghanm bin Kinaanata\‫غنم بن كنانة‬.
(Sagaal) Sacd bin Kinaanata\‫سعد بن كنانة‬.
(Toban) Cawf bin Kinaanata\‫عوف بن كنانة‬.
(Kow iyo toban) Jarwala bin Kinaanata\‫جرول بن كنانة‬.
(Laba iyo toban) Al Xudaala bin Kinaanata\‫الحدال بن كنانة‬.
(Saddex iyo toban) Ghazwaan bin Kinaanata\‫غزوان بن كنانة‬.
Kinaanatu‫كنانة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo tobnaad waa
Kinaanatu bin Khuzaymata\‫كنانة بن خزيمة‬, hooyadiisna waa Cawaanatu bintu Sacd bin Qays bin
Caylaan bin Mudar\‫عوانة بنت سعد بن قيس بن عيالن بن مضر‬.
Kinaanah‫ كنانة‬iyo walaalihiis Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬iyo Asadatu bin Khuzaymata
\‫ أسدة بن خزيمة‬iyo Al Hawnu bin Khuzaymata\‫ الهون بن خزيمة‬waxay ahaayeen madaxda iyo
hoggaamiyayaalka Qabiilka Mudar\‫مضر‬, kuwaanoo uu maalkooduna batay, xoolohoodiina
dooxada Makkah\‫ مكة‬ay buuxiyeen oo wada dabooleen.
Markuu aabihiis Khuzaymatu‫خزيمة‬
dhintay, Kinaanah‫ كنانة‬wuxuu noqday hoggaamiyaha
Safarrada Mudar\‫مضر‬, oo ganacsi u tegi jiray Ciraaq\‫عراق‬, Dimishiq\‫دمشق‬, Iiraan\‫إيران‬, Masar
\‫مصر‬.
Kinaanah‫ كنانة‬walaalkiis Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬ayaa wuxuu ku tashaday inuu
Maamulka Guriga gacanta ku dhigo, isagoo arkay inay qabiilka Iyaad \‫ إياد‬oo xilkaas hayey ay
dulmi ku kaceen Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda, itaalkoodiina uu sidaas ku wiiqmay.
Sidaas ayuu u ishafalateynayey xaaladda Makkah\‫ مكة‬iyo waxa dhacaba. Markaasaa maalin
maalmaha ka mid ah waxaa ugaarsi isu raacay laba nin oo uu midkoodna Iyaad\‫ إياد‬u dhashay,
kan kalena Mudar\‫مضر‬, oo ay odayada ay ku abtirsadaan, oo kala ah Iyaad\‫ إياد‬iyo Mudar\‫مضر‬
ayba laba nin oo walaalo ah ahaayeen, uuna wada dhalay Nizaar bin Macadd\‫نزار بن معد‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad.
95
Markay labadaas nini miyiga Makkah\‫ مكة‬ugaarsi u tageen ayay waxay arkoodeen bakayle.
Markaas ayay fallaaro ku ganeen. Markaas ayaa fallaar uu ganay ninka reer Iyaad \‫ إياد‬waxay
wadnaha uga dhacday kii reer Mudar\‫ مضر‬oo ay dishay.
Markaasey reer Mudar\‫ مضر‬keceen oo ay dhiigga ninkooda laga dilay doonteen. Markaasey reer
Iyaad\‫ إياد‬waxay yiraahdeen:
"Gaf ayuu u dilay".
Hadalkaas reer Mudar\‫ مضر‬ma ayan garawsan, waxayna ku hammiyeen oo ay dooneen inay
ninkii ninkooda dilay dilaan. Markaasey reer Iyaad\‫ إياد‬ninkoodii daafaceen, oo ay labadii qabiil
dagaal isaga horyimaadeen. Dagaalkaas waxaa libta ku helay reer Mudar\‫مضر‬, oo ilmo
adeerradooda reer Iyaad\‫ إياد‬jebiyay.
Markay adkaadeen ayay Mudar\‫ مضر‬waxay reer Iyaad\‫ إياد‬ku amreen inay Xaramka Makkah ‫حرم‬
\‫ مكة‬ka baxaan oo ay ka guuraan.
Reer Iyaad\‫ إياد‬waxay yiraahdeen:
"Saddex maalmood na siiya, dhulkiinana idinka xoogi meynno", taasoo loo oggolaaday.
Saddex maalmood kaddib, reer Iyaad\‫ إياد‬oo haweenkooda iyo caruurtooda iyo xoolohoodaba
wata Makkah\‫ مكة‬way ka bexeen, waxayna tageen oo la degeen kuwii ayaga ka horreeyey oo
dhasha Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ahaa oo Shaam\‫ الشام‬iyo Ciraaq\‫ عراق‬degay.
Markaasuu Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬Maamulka Guriga la wareegay oo uu gacanta ku
dhigay. Walaalkiis Kinaanatu bin Khuzaymata-na\‫ كنانة بن خزيمة‬wuxuu noqday hoggaamiyaha
iyo midka haya maamulka Safarrada Mudar\‫مضر‬, oo arliga barigiisa iyo gobolladiisaba ganacsi
ugu safrah.
Kinaanah\‫ كنانة‬wuxuu Carab dhexdeeda ku caan noqday wanaagga iyo dulqaadka iyo turidda uu
dadka u galo iyo xikmadiisa. Markaasey ragga Carabta ahi si ay ula kulmaan usoo safri jireen, si
ay ugala tashadaan umuurta diintooda, xukunkiisana ay u bogi jireen oo yeeli jireen.
Wuxuu kaloo yeeli jiray inuu u asturi jiray oo uu u naxariis iyo wanaag huwin jiray dadka, sida
uu gabooyuhu, oo ah weelka dhuuban oo fallaaraha inta lagu rido la aaburo oo garabka la surto,
u asturo fallaaraha ku jira oo kale.
Markaasuu ku caan baxay Kinaanah‫كنانة‬, oo macneheedu yahay gabooye fallaaraha lagu rito oo
astura. Magacaas ayaana u kacay oo uu caan ku noqday, ayna dhici karto inuu aabihiis magac
kale u bixiyay oo uu aabihiis Mudrikatu\‫ مدركة‬ku sammiyay.
96
Kinaanatu‫ كنانة‬ilmihiisa
Kinaanatu wuxuu dhalay caruurta soo socota:
(Kow) Al Nadr bin Kinaanata\‫النضر بن كنانة‬.
(Laba) Maalik bin Kinaanata\‫مالك بن كنانة‬.
(Saddex) Cabda Manaat bin Kinaanata\‫عبد مناة بن كنانة‬.
(Afar) Milkaan bin Kinaanata\‫ملكان بن كنانة‬.
Al Nadr‫ النضر‬iyo Maalik\‫ مالك‬iyo Milkaan‫ ملكان‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin
Murr\‫برة بنت مر‬. Cabda Manaat\‫ عبد مناة‬hooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al
Ghadhriif\‫هالة بنت سويد بن الغطريف‬, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\‫أزد شنوءة‬, Shanuu'ah
‫ شنوءة‬magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa
saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) ‫عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن‬
\‫مالك بن نصر بن األسد بن الغوث‬, waxaana Shanuu'ah‫ شنوءة‬loogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu
shana'aan\‫ شنآن‬dhex maray, kaasoo nacayb ah.
(Shan) Caamir bin Kinaanata\‫عامر بن كنانة‬.
(Lix) Al Xaarithu bin Kinaanata\‫الحارث بن كنانة‬.
(Toddoba) Al Nadiir bin Kinaanata\‫النضير بن كنانة‬.
(Sideed) Ghanm bin Kinaanata\‫غنم بن كنانة‬.
(Sagaal) Sacd bin Kinaanata\‫سعد بن كنانة‬.
(Toban) Cawf bin Kinaanata\‫عوف بن كنانة‬.
(Kow iyo toban) Jarwala bin Kinaanata\‫جرول بن كنانة‬.
(Laba iyo toban) Al Xudaala bin Kinaanata\‫الحدال بن كنانة‬.
(Saddex iyo toban) Ghazwaan bin Kinaanata\‫غزوان بن كنانة‬.
Kinaanah‫ كنانة‬ubadkiisu arliga Carabta ayay ku faafeen, ayna markay bateen kala degeen.
Kinaanah‫ كنانة‬walaalihiisa
Kinaanah‫ كنانة‬aabihiis Khuzaymatu\‫ خزيمة‬wuxuu dhalay:
(Kow) Kinaanatu bin Khuzaymata\‫كنانة بن خزيمة‬.
(Laba) Asad bin Khuzaymata\‫أسد بن خزيمة‬.
(Saddex) Asadatu bin Khuzaymata\‫أسدة بن خزيمة‬.
(Afar) Al Hawnu bin Khuzaymata\‫الهون بن خزيمة‬.
Khuzaymatu\‫خزيمة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo tobanaad waa
Khuzaymatu bin Mudrikata\\‫ خزيمة بن مدركة‬, hooyadiisna waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah
97
bin Nizaar\‫سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار‬, koofaartiisuna waa Abaa Asad\‫أبا أسد‬. Magaciisu wuxuu
ka yimid Al Khazmu\‫ الخزم‬oo ah daloolinta (dhegta ama wax la mid ah). Waxaa kaloo la yiri
wuxuu ka yimid Al Khazmu\‫ الخزم‬oo ah adkeynta iyo suubinta shayga. Abuu Xaniifana\‫أبوحنيفة‬
wuxuu yiri: "Al Khazamu\‫ الخزم‬waa geed sida geedka Al Dawmu\‫ الدوم‬oo kale ah, oo qoloftiisa
xargaha laga sameeyo, intiisa hoosana laga sameeyo godadka shinnida, mirihiisana uusan dadku
cunin, uuse cuniddiisa tukuhu jecelyahay."
Khuzaymah\‫ خزيمة‬wuxuu ahaa hoggaamiyaha qabiilka Mudar\‫مضر‬, wuxuuna ahaa nin uu tolkiis
jecelyahay, caqli ballaaranna leh, wuxuuna ahaa nin ka mid ah addoommada Ilaahay ka
dhawrsada, suubanaanna lagu yaqiin.
Markaas waxaa Maamulka Baytka hayey ninka la yiraahdo Wakiic bin Salamah bin Zuhayr bin
Iyaad\‫وكيع بن سلمة بن زهير بن إياد‬. Markaasuu Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu ka baqay inuu Khuzamah\‫خزيمة‬
xilkaas kula tartamo, wuxuuna u arkay inay sida ugu khayr badan oo uu isaga celin karo
tartankaas ay tahay inuu tolkiis dhexdiisa salaax iyo suubanaan loo aqoonsado oo ay u shaacdo.
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬dhankeeda hoose wuxuu ka dhistay daar dheer oo uu jaranjarana u
yeelay. Markaasuu intuu jaranjarada tafo ayuu wuxuu oran jiray inuu Ilaahay la faqayo. Dadka
dhex galkiisana wuuba yareeyey, cibaadeysiga ayuuna u batay.
Markaasey dadkii waxay yiraahdeen:
"Waa nin run low ah."
Isaguna wuxuu oran jiray:
"Kuwa arliga ku sugani waxay addoommo u yihiin Midka Samada ku sugan. Jurham \‫ جرهم‬waa la
halaagay, Iyaadna\‫ إياد‬way zuushay (tagtay). Sidaasoo kalena waxaa ah suubanaanta iyo
fasaadka."
Wuxuu Wakiic\‫ وكيع‬sidaas ku odorosayey inuu tolkiis Iyaad\‫ إياد‬Maamulka Guriga ka guuri
doono siduu Jurham\‫ جرهم‬uga guuray oo kale,
Iyaadna\‫ إياد‬Maamulka Gurigu uga guuri doono hadday suubanaantu tagto fasaadna yimaado.
Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu kaloo oran jiray:
"Rabbi khayrka la falo waa ka abaalmariyaa, sharta la falana waa ku ciqaabaa."
Markaasuu intuu tolkiis Iyaad\‫ إياد‬kulmiyay wuxuu ku yiri:
"Dardaarankeyga maqla. Hadalkuba waa laba eray, amarkuna waa caddayn kaddib: qofka
hanuunsan raaca, kan leexdana diiday, ri walbana labadeeda addin ayay kasoo laadlaaddaa."
Kaddibna Wakiic\‫ وكيع‬waa dhintay. Khuzaymatu bin Mudrikatana\‫ خزيمة بن مدركة‬waa dhintay,
hoggaaminta tolkiisna waxay u wareegtay curadkiisa Kinaanatu bin Khuzaymata\‫كنانة بن خزيمة‬.
98
Khuzaymatu\‫ خزيمة‬ilmihiisa
Kinaanah‫ كنانة‬aabihiis Khuzaymatu\‫ خزيمة‬wuxuu dhalay:
(Kow) Kinaanatu bin Khuzaymata\‫كنانة بن خزيمة‬.
(Laba) Asad bin Khuzaymata\‫أسد بن خزيمة‬.
(Saddex) Asadatu bin Khuzaymata\‫أسدة بن خزيمة‬.
(Afar) Al Hawnu bin Khuzaymata‫الهون بن خزيمة‬
Khuzaymatu‫ خزيمة‬walaalihiisa
Khuzaymatu bin Mudrikata‫ خزيمة بن مدركة‬waxaa la dhashay nin la yiraahdo Huthayl bin
Mudrikata\‫ هذيل بن مدركة‬, hooyadoodna waa haweeney qabiilka Qudaaca\‫ قضاعة‬u dhalatay oo la
yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah bin Nizaar\‫ سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار‬.
Mudrikatu\‫مدركة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo tobnaad waa
Mudrikatu bin Ilyaas\‫ مدركة بن إلياس‬, hooyadiisna waa Khindif bintu Cimraan bin Al Xaaf bin
Qudaacah\‫خندف بنت عمران بن الحاف بن قضاعة‬, haweeney reer Yaman\‫ يمن‬ah, koofaartiisuna waa
Abuu Huthayl\‫ أبوهذيل‬ama Abuu Khuzaymah\‫أبوخزيمة‬.
Mudrikah\‫ مدركة‬waa koofaar, magaciisuna waa Caamir\‫عامر‬. Sida Mudrikah\‫ مدركة‬loogu bixiyay
waxay ahayd sidatan: isaga iyo walaalkiis Dhaabikhata\‫ طابخة‬oo geel la jira ayay ugaar soo
qabsadeen, markaasey karsadeen. Intay hilbuhu karsamayeen oo ay dul fadhiyeen ayaa col
geelooda soo weerary oo la tegey.
Markaasuu walaalkiis oo magaciisu ahaa Camr\‫ عمرو‬wuxuu Caamir\‫ عامر‬ku yiri:
"ma geela ayaad gaareysaa oo aad ka daba tegeysaa, mase ugaartaan ayaad noo karineysaa?"
Markaasuu Caamir‫ عامر‬wuxuu yiri:
"Geela ayaan ka daba tegayaa oo aan gaarayaa".
Markaasuu inta ka daba tegey oo uu gaaray geelii soo dhiciyay.
Markaasaa markay aabohood uga warrameen siday wax u dheceen, wuxuu u bixiyay Mudrikatu
‫ مدركة‬oo macneheedu yahay midka inta ka daba tegey gaaray, walaalkiis Camr-na\‫ عمرو‬oo
ugaarta kariskeeda ku haray wuxuu u bixiyay Dhaabikhatu\‫ طابخة‬oo ah midka kariyay.
Mudrikah‫ مدركة‬geerida aabihiis kaddib, isagaa hoggaamiyaha tolkiis reer Mudar\‫ مضر‬noqday.
Reer Mudar\‫ مضر‬waxay jeclaayeen inay Maamulka Guriga ilmo adeerradood Iyaad \‫ إياد‬kala
99
wareegaan, markaasey Mudrikah‫ مدركة‬ku boorriyeen inuu gacantooda ka bixiyo oo uu ayaga u
wareejiyo.
Laakiin Mudrikah‫ مدركة‬wuxuu ahaa nin suuban oo saalix ah, necebna xadgudubka iyo
coolaadda, markaasuusan hadalka tolkiis dheg u raaricin, ayadoo uu Maamulku ku jiro gacanta
ilma adeerradood reer Iyaad\‫إياد‬, oo ah dad fiican, Xaramkana xaqqiisa u oofiya.
Mudrikah‫ مدركة‬wuxuu necbaa inuu diinta u adeegsado oo uu ka dhigto hub uu tolkiis masaalix
adduun ugu soo jiido. Markaasuu kacdoonka tolkiis damiyay, xaaladdoodoo sidaas ah ayuuna
Mudrikah‫ مدركة‬dhintay.
Mudrikatu‫ مدركة‬ilmihiisa
Mudrikah bin Ilyaas\‫ مدركة بن إلياس‬wuxuu dhalay labada nin kala ah:
(Kow) Khuzaymatu bin Mudrikata\‫خزيمة بن مدركة‬.
(Laba) Huthayl bin Mudrikata\‫هذيل بن مدركة‬, labadoodana waxaa dhashay haweeney
Qudaacah\‫ قضاعة‬u dhalatay, oo la yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah bin Nizaar ‫سلمى بنت‬
\‫أسد بن ربيعة بن نزار‬.
Mudrikatu‫ مدركة‬walaalihiisa
Mudrikah‫ مدركة‬aabihiis Ilyaas\‫ إلياس‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
(Kow) Mudrikatu bin Ilyaas\‫مدركة بن إلياس‬.
(Laba) Dhaabikhata bin Ilyaas\‫طابخة بن إلياس‬.
(Saddex) Qamacatu bin Ilyaas\‫قمعة بن إلياس‬.
Saddexdoodaba waxaa dhashay haweeney reer Yaman\‫ يمن‬ah oo la yiraahdo Khindif\‫خندف‬,
magaceeduna ahaa Laylaa\‫ليلى‬, ayada hooyadeedna Dariyyatu bintu Rabiicah bin Nizaar ‫ضارية بنت‬
\‫ربيعة بن نزار‬.
Khindif\‫ خندف‬waxaa loogu bixiyay ayadoo socod boobi jirtay, oo Al Khandafatu \‫ الخندفة‬waa
boobidda socodka. Ayadoo socod dheereeneysa ayay caruurteeda aabohood Ilyaas \‫ إلياس‬u timid,
markaasuu ku yiri:
"Maxaad la socod boobeysaa?"
Markaasaa Khindif\‫ خندف‬loo bixiyay.
Khindif\‫ خندف‬markuu ninkeeda Ilyaas‫ إلياس‬dhintay, way tiiraanyootay, oo ay boyday oo ay
barooratay, oo ay markaas arliga cageheeda ku martay, ayadoo u ooyeysa, ilaa ay tiiraanyo iyo
calool xumo uga dhimatay.
100
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu dhintay maalin khamiis ah. Markaasey Khindif\‫ خندف‬markay maalinta
khamiistu soo gasho booyi jirtay maalintaas bilowgeeda ilaa dhammaadkeeda. Tiiraanyadeedaas
waxay noqotay wax lagu hadal qabsado marka tiiraanyo wayn la tilmaamayo.
Markuu Ilyaas‫ إلياس‬dhintay, Khindif\‫ خندف‬way iska tagtay oo ay arliga cagteeda ku martay,
wiilasheediina ay ka tagtay. Markaasaa markuu dadku arko caruurtaas, ayay u naxariistaan oo
waxay yiraahdaan:
"Waa wiilashii Khindif\‫ خندف‬ay ka tagtay ayagoo yaryar oo agoon ah."
Markaasaa wiilashii waxaa loo bixiyay Banii Khindif\‫بني حندف‬, oo ah dasha Khindif\‫خندف‬.
Ilyaas‫إلياس‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo tobnaad waa Ilyaas bin
Mudar\‫إلياس بن مضر‬, hooyadiisna waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin Cadnaan ‫الرباب‬
\‫بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
Waxaa la yiri inuu magacaasi ka yimid Al Alsu\‫ األلس‬oo ah dhakridda. Waxaa kaloo la yiri bal
wuxuu ka yimid Alyasu\‫ اليس‬oo ah geesiga aan cararin. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ka yimid Al
Ya'su\‫ اليأس‬oo ah quusashada iyo rajo beelka, isagoo dashay kaddib markuu aabihiis gaboobay
oo uu caruur ka quustay, kana rajo dhigay.
Waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإنه كان مؤمنا‬،‫"ال تسبوا إلياس‬
"Laa tasubbuu Ilyaasa, fa innahu kaana Mu'minan",
oo macnihiisu yahay:
"Ha caayina Ilyaas‫ إلياس‬, oo isagu wuxuu ahaa mu'min".
Waxaa wariyay ibnu Sacad\‫إبن سعد‬, kuna wariyay Al Dhabaqaatu\‫ الطبقات‬1/1/30.
Ilyaas bin Mudar\‫ إلياس بن مضر‬wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo Kacbada geel Hadyi\‫هدي‬
ah u hibeeyey, geelaas kuruskiisana dhinac ka dillaaciyay, oo uu sidaas dhiiggu uga dureerayo, si
uu calaamad ugu noqdo in Kacbada loo hibeeyey.
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu ahaa nin adduunkaan ka kaaftoomay, doonayna waxa Ilaahay agtiisa yaalla.
Ilyaas bin Mudar\‫ إلياس بن مضر‬wuxuu ahaa nin mu'min ah oo toosan, wuxuuna lahaa
101
xikmooyin ballaaran, wuxuuna tolkiisa dhexdiisa ku ahaa siduu Luqmaan Al Xakiim \‫لقمان الحكيم‬
dadkiisa dhexdiisa ku ahaa oo kale.
Ilyaas‫ إلياس‬xikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa:
"Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa, qofka sharr abuurtana shallayti ayuu goostaa."
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu reer Makkah\‫ مكة‬kala dagaallami jiray inay dariiqa toosan ka leexdaan.
Markuu Ilyaas‫ إلياس‬dhintayna, haweentiisa Khindif\‫ خندف‬dabadiis ayay calool xumo iyo
tiiraanyo u dhimatay.
Ilyaas‫ إلياس‬ilmihiisa
Ilyaas bin Mudar‫ إلياس بن مضر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah:
(Kow) Mudrikatu bin Ilyaas\‫ مدركة بن إلياس‬oo magaciisu Caamir\‫ عامر‬yahay.
(Laba) Dhaabikhatu bin Ilyaas\‫طابخة بن إلياس‬, oo magaciisu Camr\‫ عمرو‬yahay.
(Saddex) Qamcata bin Ilyaas\‫قمعة بن إلياس‬.
Saddexdaas nin hooyadood waxay ahayd Khindif bintu Cimraan bin Ilxaaf bin Qudaacah ‫خندف‬
\‫بنت عمران بن الحاف بن قضاعة‬.
Ilyaas‫ إلياس‬walaalihiisa
Ilyaas‫ إلياس‬aabihiis Mudar bin Nizaar\‫ مضر بن نزار‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah:
(Kow) Ilyaas bin Mudar‫ إلياس بن مضر‬.
(Laba) Caylaan bin Mudar\‫عيالن بن مضر‬. Caylaan\‫ عيالن‬waxaa la yiri wuxuu ahaa faras uu
Mudar\‫ مضر‬lahaa oo loogu magac daray. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ahaa ey uu lahaa. Waxaa la
yiri in Caylaan Al Naasu\‫ عيالن الناس‬oo ah dadka la oran jiray, walaalkiisna Ilyaas ‫ إلياس‬.
Labadaas nin hooyadooda dhashay waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin Cadnaan
\‫الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
Mudar‫مضر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo tobnaad waa
Mudar bin Nizaar\‫مضر بن نزار‬, hooyadiisna waa Sawdata bintu Cakk bin Cadnaan ‫سودة بنت عك بن‬
\‫عدنان‬.
102
Mudar‫ مضر‬waa naaneys, magaciisuna waa Camr\‫عمرو‬. Mudar‫ مضر‬macnihiisu waxaa weeye
saafi, cad, oo caddaantiisa loogu bixiyay. Eraygu wuxuu ka yimid Mudaar\‫مضار‬, oo ah caanaha
garoorka ama karuurka ah.
Mudar‫ مضر‬waxaa kaloo la yiraahdaa “Mudaru Al Xamraa'u”\‫ مضر الحمراء‬oo Carabtu qofka cad
waxay tiraahdaa axmar\‫أحمر‬, oo guduudane ah. Waxaa kaloo la yiri in Mudaru Al Axmaru ‫مضر‬
\‫ األحمر‬loogu bixiyay ayadoo uu aabihiis Nizaar\‫ نزار‬uga dardaarmay oo la siiyay khaymad
guduudan oo uu lahaa saanna ka sameysneyd, walaalkiis Rabiicahna\‫ ربيعة‬uu faras uga
dardaarmay, markaasaa loo kala bixiyay Mudar Al Xamraa'u‫ مضر الحمراء‬iyo Rabiicatu Al
Faras\‫ربيعة الفرس‬.
Mudar‫ مضر‬isagoo hashiisa saaran ayuu ka dhacay, markaasu gacan wax ka noqday. Markaasuu
hashii markay sii socotay ayuu daba socday isagoo xanuunka gacanta ka haya ka cataabaya,
wuxuuna ahaa nin aad u cod qurxoon, wuxuuna catawgiisu ahaa isagoo leh Waa yadayyaah waa
yadayyaah!‫وايداه!وايداه‬, oo ah gacanteydey gacanteydey, uuna hadalkaas kusoo celcelinayo, sida
hees oo kalena ugu luqeynayo.
Markaasuu geelii istaagay, oo uu xaggiisa usoo jeestay. Taas ayaa waxay ahayd asalka iyo marka
ugu horreysey oo geela loo heeso, oo marka loo heesana uu socod dheereeyo, oo geelu heesta
waa jecelyahay, waana ku firfircoonaadaa.
Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
".‫ فإنهما كانا مؤمنين‬،‫"ال تسبوا مضر وال ربيعة‬
"Laa tasubbuu Mudara wa laa Rabiicata, fa innahumaa kaanaa mu'minayni",
oo macneheedu yahay:
"Ha caayina Mudar‫ مضر‬iyo Rabiicata\‫ربيعة‬, oo waxay ahaayeen laba mu'min."
Mudar‫مضر‬, sidaan Kitaabkeyga Qusayy\‫ قصي‬ugu soo warbixinnay, wuxuu ka qayb galay
xarbiga Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬looga saaray markay xurmadii Xaramka ku xadgudbeen.
Mudar‫ مضر‬wuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arka oo aan jecleysan.
Xikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa:
"Khayr kan ugu khayr badan waa kan degdeg loo sameeyo. Sidaas daraadeed, naftiinna ku
xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkeeda fasaadinaya. Suubanaanta iyo
103
fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa (waqti ahaan la mid ah)
laba jeer oo xoolaha la maalo."
Mudar\‫ مضر‬ilmihiisa
Mudar bin Nazaar\‫ مضر بن نزار‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah:
(Kow) Ilyaas bin Mudar\‫إلياس بن مضر‬.
(Laba) Caylaan bin Mudar\‫عيالن‬, hooyadoodna waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin
Cadnaan‫ الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
Mudar‫ مضر‬walaalihiisa
Mudar‫ مضر‬aabihiis Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah:
(Kow) Mudar bin Nizaar\‫مضر بن نزار‬.
(Laba) Rabiicatu bin Nizaar\‫ربيعة بن نزار‬.
(Saddex) Anmaar bin Nizaar\‫ أنمار بن نزار‬.
(Afar) Iyaad bin Nizaar\‫إياد بن نزار‬.
Mudar‫ مضر‬iyo Iyaad\‫ إياد‬hooyadood waa Sawdatu bintu Cakk bin Cadnaan\‫ سودة بنت عك بن عدنان‬.
Rabiicatu\‫ ربيعة‬iyo Anmaar\‫ أنمار‬hooyadoodna waa Shuqayqatu bintu Cakk bin Cadnaan ‫شقية بنت‬
\‫عك بن عدنان‬waxaana kaloo la yiri waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan\‫جمعة بنت عك بن عدنان‬.
Anmaar bin Nizaar\‫ أنمار بن نزار‬waxaa ka farcamay qabaa'iilka la kala yiraahdo Khathcam\‫خثعم‬
iyo Bajiilata\‫بجيلة‬.
Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu ka yimid nimiriga badda, haweenta caruurtaas u dhashayna waxaa la
yiraahdaa Bajiilatu bintu Sacb bin Sacd Al Cashiirata‫بجيلة بنت صعب بن سعد العشيرة‬. Haweeney
kalena waxay u dhashay wiil la yiraahdo Iftalu bin Anmaar\‫إفتل بن أنمار‬, kanoo ah Kathcam\‫خثعم‬.
Haweeney la yiraahdo Cabqara‫ عبقرة‬waxay u dhashay shan iyo toban nin oo ay ka farcameen
qabaa'ilka kala ah, oo raggaas ku abtirsada: Wadaacah \‫وداعة‬, Khuzaymah\‫خزيمة‬, Suhaybah\‫صهيبة‬,
Al Xaarithu\‫الحارث‬, Maalik\‫مالك‬, Shaybatu\‫شيبة‬, Dhariifatu\‫طريفة‬, Fahmun\‫فهم‬, Al Ghawthu\‫الغوث‬,
Sahal\‫سهل‬, Cabqar\‫عبقر‬, Ash-hal\‫أشهل‬, oo dhammaantood ilmo Anmaar\‫ أنمار‬ah.
Waxaa la yiri Bajiilah\‫ بجيلة‬waxay ahayd haweeney Xabashiyad ah oo ilmaha Anmaar\‫ أنمار‬oo
aan soo magacawnay xannaaneyn jirtay, taasoo aan soo xannaaneyn wiilkiisa Aftalu \‫ أفتل‬oo aan
sidaas ayada loo nisbeyn, midkaanoo uu qabiilka Khatcam\‫ خثعم‬ka farcamay.
104
Al Tarmithii\‫ الترمذي‬wuxuu Farwatu bin Musayk\‫ فروة بن مسيك‬ka wariyay in markuu Ilaahay
Saba'\‫ سبأ‬wixii uu kusoo dejiyay uu Quraan kasoo dejiyay (oo ahaa burburka biyo xireenkii
Carim\‫ عرم‬iyo dalkoodiiba), ayuu nin wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Saba'\‫ سبأ‬waa maxay: ma haweeneybaa
mase arli?"
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فأما الذين‬.‫ وتشأم أربعة‬،‫ فتيمن منهم ستة‬،‫ ولكنه رجل ولد عشرة من العرب‬،‫"ليس بامرأة وال أرض‬
,‫ وكندة‬،‫ ومذحج‬،‫ وحمير‬،‫ واألشعرون‬،‫ وأما الذين تيمنوا فاألزد‬.‫ وغسان‬،‫ وعميلة‬،‫ وجذام‬،‫ فلخم‬:‫تشأموا‬
".‫وأنمار‬
"Laysa bi imra'atin wa laa ardin, wa laakinnahu rajulun walada cashratan mina Al
Carabi, fa tayammana minhum sitatun, wa tashaa'ama arbacatun. Fa ammaa allathiina
tashaa'amuu: fa lakhmun, wa Juthaam, wa Caamilatu, wa Ghassaan. Wa ammaa
allathiina tayaamanuu fa Al Azdu, wa Al Ashcaruuna, wa Ximyar, wa Mathxij, wa
Kindatu, wa Anmaar".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"(Saba'\‫ )سبأ‬Haweeney iyo arli midna ma aha, waase nin dhalay toban nin oo Carab ah, kuwaasoo
ay lix ka mid ihi Yaman\‫ يمن‬aadeen oo ay degeen, afarna ay Shaam \‫ الشام‬aadeen oo ay degeen.
Kuwa Shaam\‫ الشام‬aaday oo degey waxay yihiin: Lakhm\‫ لخم‬iyo Juthaam\‫( جذام‬Waana qabiilka uu
Nabi Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu ka guursan doono markuu Samada kasoo dego) iyo
Caamilatu\‫ عميلة‬iyo Ghassaan\‫غسان‬. Kuwa Yaman\‫ يمن‬aaday oo degeyna waa Al Azdu\‫ األزد‬iyo
Al Ashcaruuna‫ األشعرون‬iyo Ximyar\‫ حمير‬iyo Mathxij\‫ مذحج‬iyo Kindatu\‫ كندة‬iyo Anmaar\‫"أنمار‬.
Markaasuu ninkii wuxuu yiri:
"Anmaarna\‫ أنمار‬muxuu yahay?"
Wuxxu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"الذين منهم خثعم وبجيلة‬
"Allathiina minhum Khathcam wa Bajiilah",
oo ah:
"Waa kuwa ay ka tirsan yihiin Khathcam\‫ خثعم‬iyo Bajiilah\‫بجيلة‬."
Raggaas oo idil qabaa'il magacdooda sita ayaa ka wada farcamay. Waana Xadiithka saddex kun
iyo laba boqol iyo labaatan ee Al Tarmithii\‫الترمذي‬.
105
Nizaar\‫نزار‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad waa
Nizaar bin Macadd\‫نزار بن معد‬, koofaartiisuna waa Abuu Iyaad\‫أبوإياد‬, waxaana kaloo la yiri waa
Abuu Rabiicah\‫أبوربيعة‬. Nizaar\‫ نزار‬hooyadiis waa Mucaanatu bintu Jawshaan Al Jurhamii ‫معانة‬
\‫بنت جوشان الجرهمي‬.
Magaca Nizaar\‫ نزار‬wuxuu ka yimid Al Nazri\‫ النزر‬oo ah: wax yar ama naadir ah, sababta loogu
bixiyayna ay ahayd sidatan. Nizaar\‫ نزار‬aabihiis Macadd bin Cadnaan\‫ معد بن عدنان‬markuu
wiilku u dhashay ayuu dhugtay oo uu wajiga wiilka iyo labadiisa indhooda dhexdooda nuur ku
arkay, kaasoo ah nuurka Nabinnimada, oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
aabayaalkiis isaga gudbi jiray, oo uu aabe walba wiilkiisa u gudbin jiray ilaa uu Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ugu soo wareegay.
Nizaar aabihiis markuu nuurkaas arkay aad ayuu u farxay, markaasuu xoolo qalay oo uu dadkana
cunno siiyay, kaddibna uu yiri:
"Waxaan oo dhan waa wax yar (nazrun\‫ )نزر‬marka loo fiiriyo xaqqa wiilkaan dhashay."
Sidaas ayaa Nizaar\‫ نزار‬loogu bixiyay.
Macadd‫ معد‬wuxuu wiilkiisa Nizaar‫ نزار‬baray Fiqiga Islaamka iyo Diinta, wuxuuna u diyaariyay
inuu qabto Maamulka Kacbada.
Dardaaranka Nizaar‫ نزار‬ee wiilashiisa
Markay geeridu u timid, Nizzar bin Macadd‫ نزار بن معد‬wuxuu isugu yeeray wiilashiisa Mudar
\‫ مضر‬iyo Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Iyaad\‫ إياد‬iyo Anmaar\‫أنمار‬, wuxuuna ku yiri:
"Maamulka Kacbada waxaa iska leh Iyaad\‫إياد‬, Jurhamna\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬ka saara ayadoo uu
dulligoodu batay. Khaymaddaan guduudanna oo saanta ka sameysan iyo inta la midka ah ee
maalka waxaa iska leh Mudar\‫مضر‬. Tobankaan kun oo Dirham (haathihi al badrati\‫ )هذا البدرة‬iyo
majliskaan-na waxaa iska leh Anmaar\‫أنمار‬. Faraskaan madow iyo khaymadda madawna iyo inta
la midka ahba ee maalka waxaa iska leh Rabiicah\‫ربيعة‬. Khaadimaddaan (haweeney u adeegi
jirtay) midabkeedu boorka u egyahay iyo inta la midka ah ee maalkeygana waxaa iska leh
Iyaad\‫إياد‬. Hadduu idiin caddaan waayo oo uu shaki idinka galo sidaad maalka u qaybsan
lahaydeenna waxaad u tagtaan faaliyaha Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬oo Najraan\‫ نجران‬deggan.
106
Markuu Nizaar‫ نزار‬dhintay ayay wiilashiisii dhaxalka sida loo qaybsan lahaa ku heshiin
waayeen. Markaasey waxay aadeen faaliyaha aabohood u tilmaamay oo Yaman\‫ يمن‬degganaa,
ahaana xaakinka iyo qaalliga Carabta.
Intay dariiqa ku sii jireen ayuu Mudar‫ مضر‬wuxuu arkay rati raadkiisa halkaas daaqay,
markaasuu wuxuu yiri:
"Halkaan waxaa daaqay rati cawar ah, oo il kaliya leh".
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Waa Rati dhutiya".
Markaasuu Iyaad\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Waa rati sayn go'an."
Markaasuu Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu yiri:
"Waa rati baadi ah."
Markay cabbaar socdeen, ayaa waxaa ka hor yimid nin oo weydiiyay:
"Miyaad aragteen rati iga soo baadiyoobay?"
Markaasuu Mudar‫ مضر‬wuxuu yiri:
"Ma cawar baa?"
Ninkii wuxuu yiri:
"Haa".
Rabiicahna\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Ma rati dhutinayaa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Iyaadna\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Ma rati sayn go'an baa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Anmaarna\‫ أنمار‬wuxuu yiri:
"Ma rati baadi ah baa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Markaasuu ninkii intuu farxay ayuu wuxuu yiri:
"Tilmaamahaasi waa tilmaamaha ratigeyga ee mee?"
Markaasey kulligood waxay yiraahdeen:
"Ma aanan arag".
Ninku ragga wuu ka shakiyay, wuxuuna yiri:
"Sideebeydnaan u arag adinkoo tilmaamihiisa iigu tilmaamay?"
107
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan ku niri ma aanan arag".
Markaasey xaggu faaliyihii Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬sii aadeen, isagoo ninkiina uu raadkooda ku
joogo. Markay Najraan\‫ نجران‬galeen oo ay guriga Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬galeen, ayuu ninkiina
guriga ka daba galay, oo uu qaalligaas uga dacwooday raggaas ratigiisa u tilmaamay, kaddibna
indhohoodu waxay arkeen oo ay tilmaameen beeniyay, wuxuuna yiri:
"Raggaan waxay qaateen ratigeyga, oo intay tilmaamihiisa iigu tilmaameen ayay hadana
yiraahdeen ma aanan arag."
Markaasuu qaaligu xagga Mudar‫ مضر‬u jeestay oo uu indhihiisa indhaha u saaray oo uu yiri:
"Sidee baad u ogaatay inuu cawar yahay?"
Mudar‫ مضر‬wuxuu yiri:
"Wuxuu daaqay dhinac, dhinaca kalena wuu ka tegey, markaasaan ogaaday inuu cawar yahay."
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬u jeestay oo uu ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu dhutinayo?"
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Waxaan arkay in raadka labada jeeni uu midna dhulka ku sugan yahay, kan kalena uusan
raadkiisu si fiican u muuqan, markaasaan ogaaday inay sababta uu la muuqan waayey ay tahay
xoogga uu dhulka ugu dhuftay."
Markaasuu wuxuu Iyaad\‫ إياد‬ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu ratigu sayn go'an yahay?"
Iyaad\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Waxaan ka ogaaday siday saaladiisu isu haysato, oo hadduu sayn lahaan lahaa wuu
dhaqdhaqaajin lahaa oo uu saalada kala firdhin lahaa."
Markaasuu Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu baadi yahay?"
Wuxuu yiri:
"Wuxuu daaqay meesha baadka iyo dhirta yar, umana uusan gudbin meesha ka daaq badan."
Markaasuu qaalligii wuxuu ujeestay ninkii ratiga lahaa, wuxuuna ku yiri:
"Raggaani ma ayan qaadan ratigaaga, ee raadso", ninkiina waa iska tegey isagoo la yaaban
inayan ratigiisa arkin, ayna isla markaas siduu ahaa u tilmaameen.
Ilmo Nizaar\‫ نزار‬iyo Al Jurhamii\‫الجرهمي‬
Markaas kaddib ayuu faaliyihii intuu ragga u jeestay ayuu wuxuu yiri:
"Yaad tihiin?"
Waxay yiraahdeen:
108
"Waxaan nahay wiilasha Nizaar bin Macadd bin Cadnaan\‫نزار بن معد بن عدنان‬."
Markaasuu faaliyihii soo dhoweeyey oo uu yiri:
"Soo dhowaada oo ehelkiin ayaad u timaaddeen, maxaana noo kiin keenay oo aad dooneysaan?"
Waxay yiraahdeen:
"Aabeheen ayaa markuu dhimanayey wuxuu na yiri:
"hadduu shaki idinka galo sidaad maalkeyga u qaybsan lahaydeen, oo aad isku khilaaftaan, u
taga faaliyaha Al Jurhamii\‫الجرهمي‬."
Marka waan isku khilaafnay dhaxalkii, markaasaan kuugu nimid inaad noo kala xukuntid."
Markaasuu isagoo yaaban wuxuu yiri:
"Ma anigaabad ii baahan tihiin, anigoo waxaan idinka arkayba idinka arkay?"
Markaasuu faaliyihii kacay oo uu ri u qalay, cunnana u sameeyey, khamro ay cabbaanna u
keenay. Kaddibna wuxuu fariistay meel aan ayaga ka fogayn oo uu hadalkooda ka maqli karo,
ayaguse ayan isaga u jeedin. Markaasey cunnadiina cuneen, khamradiina cabbeen.
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Hilibka maanta mid ka fiican hore uma arag, haddayan ahaan lahayn in rida caano ey lagu
koriyay".
Kaddibna Mudar\‫ مضر‬ayaa wuxuu yiri:
"Khamradaan oo kale hore uma arag, hadayan ahaan lahayn in geedka canabka oo laga soo
miiray uusan qabri ka kor bixi lahayn."
Markaasuu faaliyihii isla hadlay oo uu yiri:
"Kuwaani waxaan shayaadhiin ahayn ma aha."
Markaasuu wuxuu u tegey haweeneydii khamrada sameysay, wuxuuna ku yiri:
"Khabarka khamradaan ii sheeg".
Waxay tiri:
"Geedkeedu wuxuu ka baxay qabriga aabahaa dushiisa".
Kaddib faaliyihii wuxuu u tegey ari jirkii uu rida kasoo gatay, markuu arrinka ridaas
weydiiyayna wuxuu ku yiri:
"Waxay ahayd waxar aan caano ey ku koriyay, ayadoo ayan waxaro kale ariga ku jirin (oo ay
hooyadeeda la nuugto), ayada hooyadeedna ay dhimatay."
Faaliyihii wuxuu usoo noqday ilmo Nizaar\‫ نزار‬, wuxuuna Rabiicah\‫ ربيعة‬ku yiri:
109
"Sideebaad hilibka ku ogaatay?"
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Hilibka eygu baruurtiisa waa ka korreeyaa, taasoo ka duwan hilibka ri'da oo ay baruurteedu
hilibkeeda ka korreyso."
Faaliyihii wuxuu Mudar\‫ مضر‬ku yiri:
"Sideebaad khamrada ku ogaatay?"
Mudarna\‫ نزار‬wuxuu yiri:
"Geedka canabku hadduu qabri dushiisa ka baxo khamradiisu waa ka khafiifsan tahay kuwa kale,
oo siday khamrada kale qofka u saameyso tani uma saameyso."
Markaasuu faaliyihii, intuu si fiican u fariistay, ayuu wuxuu ku yiri:
"Dantaad iigu timaaaddeen ii sheega."
Markaasey dardaaranka aabohood Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬uga warrameen. Markuu
maqlay arrinkooda ayuu faaliyihii wuxuu yiri:
"Maalka intiisa khaymadda guduudan la midka ah waxaa leh Mudar\‫مضر‬. Ninka khaymadda
madow la siiyay wuxuu leeyahay inta madow oo maalka ka mid ah. Lacagta iyo dhulkana waxaa
iska leh Anmaar\‫أنمار‬."
Markaasey ilmo Nizaar\‫ نزار‬ka gaddoomeen oo ay Makkah\‫ مكة‬usoo noqdeen, maalkiina ay u
qaybsadeen sidatan: Mudar‫ مضر‬wuxuu qaatay lacagtii Diinaarka ahayd oo dahabka guduudan ka
samaysnayd iyo geela, markaasaa qabiilka Mudar‫ مضر‬ka farcamay waxaa loo bixiyay Mudar Al
Xamraa'\‫مضر الحمراء‬, oo ah Mudar‫ مضر‬tii guduudnayd.
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu qaatay faraskii iyo inta la midka ahayd, markaasaa qabiilka ka farcamay
loo bixiyay Rabiicah Al Faras\‫ربيعة الفرس‬.
Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu qaatay arigii, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Anmaar Al
Shaata\‫أنمار الشاة‬, oo ah Anmaar\‫ أنمار‬riyoole.
Iyaad\‫ إياد‬wuxuu qaatay ariga midabkiisu cad yahay baro madowna leh iyo fardaha midabkoodu
caddaanka iyo madawga isku jira yahay, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay
Iyaad Al Barqaa'a\‫ إياد البرقاء‬oo ah Iyaad\‫ إياد‬caddaan iyo madow isku jira.
Nizaar\‫ نزار‬ilmihiisa
Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah:
110
(Kow) Mudar bin Nizaar\‫مضر بن نزار‬.
(Laba) Rabiicatu bin Nizaar\‫ربيعة بن نزار‬.
(Saddex) Anmaar bin Nizaar\‫أنمار بن نزار‬.
(Afar) Iyaad bin Nizaar\‫إياد بن نزار‬.
Mudar‫ مضر‬iyo Iyaad\‫ إياد‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Sawdatu bintu Cakk
bin Cadnaan\‫سودة بنت عك بن عدنان‬.
Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Anmaarna\‫ أنمار‬waa isku hooyo, waxaana dhashay Shuqayqatu bintu Cakk bin
Cadnaan\‫شقيقة بنت عك بن عدنان‬, lana yiri oo kale waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan ‫جمعة بن عك‬
\‫بن عدنان‬.
Nizaar\‫ نزار‬walaalihiisa
Nizaar\‫ نزار‬aabihiis Macadd bin Cadnaan\‫ معد بن عدنان‬wuxuu dhalay:
(Kow) Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬.
(Laba) Jushamu bin Macadd\‫جشم بن معد‬.
(Saddex) Silhimu bin Macadd\‫سلهم بن معد‬.
(Afar) Junaadatu bin Macadd\‫جنادة بن معد‬.
(Shan) Qunaasatu bin Macadd\‫قناصة بن معد‬.
(Lix) Qanasu bin Macadd\‫قنص بن معد‬.
(Toddoba) Sanaamu bin Macadd\‫سنام بم معد‬.
(Sideed) Cawf bin Macadd\‫ عوف بن معد‬oo cirib go'ay.
(Sagaal) Xaydaanu bin Macadd\‫ حيدان بن معد‬oo qabiilka Qudaacah\‫ قضاعة‬ka mid ah.
(Toban) Awdu bin Macadd\‫أود بن معد‬.
(Kow iyo toban) Qudaacatu bin Macadd\‫قضاعة بن معد‬, oo Yaman\‫ يمن‬degay.
(Laba iyo toban) Qunusa bin Macadd\‫قنص بن معد‬, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al
Nucmaanu bin Al Munthir\‫النعمان بن مامنذر‬, Boqorkii Al Xiirata\‫الحيرة‬.
(Saddex iyo toban) Iyaada bin Macadd\‫إياد بن معد‬.
Macadd‫معد‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo tobnaad waa
Macadd bin Cadnaan\‫معد بن عدنان‬, koofaartiisuna waa Abuu Qudaacah\‫ أبوقضاعة‬ama Abuu
Nizaar\‫أبونزار‬, hooyadiisna waa Mahdadu bintu Al Lahmi bin Xajab bin Jadiis ‫مهدد بنت اللهم بن‬
\‫حجب بن جديس‬.
Macadd‫ معد‬saddex macno ayaa lagu sheegay, oo kala ah:
(Kow) Al caddi\‫ العد‬oo ah tirinta;
111
(Laba) Macada fii al ardi\‫ معد في األرض‬oo ah dhulka ayuu fasaadiyay iyo
(Saddex) Al Macaddayni\‫ المعدين‬oo ah barta ay cagaha ninka faraska fuushani ay faraska ka
taabanayaan, kana yimid Al Macdu\‫ المعد‬oo ah xoogga, oo halkaas ayayba al maciddatu\‫ المعدة‬ka
timid oo caloosha ah.
Macadd‫ معد‬wuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uuna kula dagaallamayo ubadka
Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, lamana arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadan.
Macadd‫ معد‬wuxuu Al Multazam\‫ الملتزم‬oo albaabka Kacbada iyo Xajarul Aswadka\‫الحجر األسود‬
inta u dhexeysa ah caruurta ku bari jiray sida wax loo dhigo, isagaana dhigidda farta Carabiga
dhammaystiray.
Macadd‫ معد‬ilmihiisa
Macadd bin Cadnaan\‫ معد بن عدنان‬wuxuu dhalay:
(Kow) Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬.
(Laba) Jushamu bin Macadd\‫جشم بن معد‬.
(Saddex) Silhimu bin Macadd\‫سلهم بن معد‬.
(Afar) Junaadatu bin Macadd\‫جنادة بن معد‬.
(Shan) Qunaasatu bin Macadd\‫قناصة بن معد‬.
(Lix) Qanasu bin Macadd\‫قنص بن معد‬.
(Toddoba) Sanaamu bin Macadd\‫سنام بم معد‬.
(Sideed) Cawf bin Macadd\‫ عوف بن معد‬oo cirib go'ay.
(Sagaal) Xaydaanu bin Macadd\‫ حيدان بن معد‬oo qabiilka Qudaacah\‫ قضاعة‬ka mid ah.
(Toban) Awdu bin Macadd\‫أود بن معد‬.
(Kow iyo toban) Qudaacatu bin Macadd\‫قضاعة بن معد‬, oo Yaman\‫ يمن‬degay.
(Laba iyo toban) Qunusa bin Macadd\‫قنص بن معد‬, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al
Nucmaanu bin Al Munthir\‫النعمان بن مامنذر‬, Boqorkii Al Xiirata\‫الحيرة‬.
(Saddex iyo toban) Iyaada bin Macadd‫إياد بن معد‬
Macadd\‫ معد‬walaalihiisa
Macadd\‫ معد‬aabihiis Cadnaan\‫ عدنان‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah:
(Kow) Macadd bin Cadnaan‫معد بن عدنان‬, oo aan kasoo warbixinnay, Makkahna\‫ مكة‬degay, iyo
(Laba) Cakk bin Cadnaan\‫ عك بن عدنان‬oo Yaman\‫ يمن‬degay, kana guursaday qabiilka
Ashcariyyiinta\‫األشعريين‬.
112
Cadnaan‫عدنان‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labaatanaad waa Cadnaan
‫عدنان‬. Erayga Cadnaan‫ عدنان‬wuxuu ka yimid Cadana\‫ عدن‬oo ah waa degay oo ku nagaaday oo
ku waaray. Sidaas daraadeed ayaa magaalada Cadan\‫ عدن‬oo Yaman\‫ يمن‬ku taalla Cadan\‫عدن‬
loogu bixiyay ayadoo ay halkaas ilmihii Nabi Adan\‫آدم‬, Calayhissalaamu, degeen.
Cadnaan‫ عدنان‬koofaartiisu waa Abuu Macadd\‫أبومعد‬, hooyadiisna waa Balhaa'u bintu Yacrib bin
Qaxdhaan\‫بلهاء بنت يعرب بن قحطان‬. Qaxdhaan\‫ قحطان‬magaciisuna waa Mihzam\‫مهزم‬.
Cadnaan\‫ عدنان‬iyo Bukhtunassar\‫بختنصر‬
Bukhtunassar\‫ بختنصر‬wuxuu ahaa Boqor cajam ah oo Baabil\‫ بابل‬u taliyay, caasimaddiisuna ay
ahayd Niinawaa\‫نينوى‬, magaalada Nabi Yuunus bin Mattaa\‫يونس بن متى‬, Calayhissalaamu, oo
Waqooyiga Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla.
Kaddibna wuxuu caasimad ka dhigtay, markuu Boqorkeedii ka adkaaday, Baabil\‫( بابل‬macnaha
Baabil\‫بابل‬
waa Baabu\‫ باب‬oo ah albaabka iyo Iil\‫ إيل‬oo ah Ilaahay\‫هللا‬, sida Quddus\‫ قدس‬loo
yiraahdo oo kale Baytu Iil\‫ بيت إيل‬oo ah Guriga Ilaahay), oo ayaduna dalka Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla.
Bukhtunassar‫ بختنصر‬wuxuu Boqor ahaa inta u dhexeysey kun iyo boqol iyo lix iyo konton sano
ilaa kun iyo boqol iyo sideed iyo soddon sano ka hor dhalashada Nabi Muaxammad, Sallallaahu
Calayhi Wasallam.
Zamankiisaas waxaa Boqortooyada Nabdhiyyinta\‫ األنباط‬Boqor u ahaa Cadnaan bin Udd ‫عدنان بن‬
\‫أد‬, oo ah faraca Nabi Ismaaciil\‫إسما عيل‬, iyo awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam.
Bukhtunassar‫ بختنصر‬wuxuu kusoo duulay oo uu burburiyay, siduu Ilaahay Tacaalaa\‫هللا تعالى‬
noogu sheegay Aayadaha afar, shan iyo kuwa ka dambeeyaba ee Suuratu Al Israa’i \‫سورة اإلسراء‬,
Dawladdii Yuhuudda, kaddibna wuxuu usoo baxay la dagaallanka Carabta uu Cadnaan ‫عدنان‬
madaxa u ahaa.
Cadnaan‫ عدنان‬iyo Bukhtunassar‫بختنصر‬
Xasuuraa'\‫حصوراء‬
waxay isaga horyimaadeen meesha la yiraahdo
Intuusan xarbiga u bixin, Cadnaan‫ عدنان‬wuxuu labadiisii wiil oo uu dhalay oo kala ahaa
Macadd\‫معد‬, oo markaas laba iyo toban sano jira ahna awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi
113
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Cakk\‫عك‬, u diray arliga awoowayaalkiisu ka
yimaadeen ee Makkata Al Mukarramati\‫مكة المكرمة‬.
Dagaalkaas khasaarooyin ayaa laba dhinacba gaaray, wayna kala adkaan waayeen. Markaasuu
Boqor walba dalkiisa dib ugu laabtay, isagoo aan guul iyo jab midna wadin.
Bukhtunassar‫ بختنصر‬Carab wuu ka adkaan waayey siduu Yuhuudda uga adkaaday oo kale.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu isagoo Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬sharxaya yiri:
"Ibnu abii al Dunyaa\‫ إبن أبي الدنيا‬wuxuu wariyay oo yiri:
"Bukhtunassar‫ بختنصر‬, oo ahaa Boqorka Baabil\‫بابل‬, kaddibna yuhuudda inta soo weerara
jebinaya, Masjidka Al Quddusna\‫ مسجد القدس‬dabka qabadsiinaya, siday nooga warrameen
Aayadaha shanaad iyo lixaad ee Suuratu Al Israa'\‫سورة األسراء‬, wuxuu tababaray laba libaax,
markaasuu god ku tuuray sida ceel guray oo kale ah.
Markaasuu (Nabi) Daaniyeel\‫ دانيال‬inta keenay uu ku kor tuuray, ayanna libaaxyadu wax
dhibaato ah u geysan, sida Xadiithka kusoo aroortay.
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu wariyay in:
".‫ و أرسل هللا له ملكا بطعام‬،‫ فجعلت تحلسه و تبسسه إليه‬،‫"أن دانيل طرح في الجب و ألقي عليه السباع‬
"Anna Daaniyeel dhurixa fii al jubbi wa ulqiyat calayhi al sibaacu, fa jacalat taxlusuhu wa
tabasbasu ilayhi, wa arsala Allaahu lahu malakan bi dhacaamin",
oo macneheedu yahay:
"Daaniyeel\‫ دانيال‬waxaa lagu riday ceel, waxaana korkiisa lagu tuuray dugaagga dadka cuna.
Markaasey markay u tagtay carrabyadeeda Daaniyeel\‫ دانيال‬jacayl ay u qabto ku leefleeftay,
farax daraadiisna ay saymahooda u dhaqdhaqaajiyeen. Ilaahayna wuxuu usoo diray malag cunno
u keenay."
Ibnu abii al Dunyaa\‫ إبن أبي الدنيا‬wuxuu wariyay Xadiithkaan:
‫" فأمر بقتل‬.‫ "يولد ليلة كذا و كذا غالم يفسد ملكك‬:‫"أن الملك الذي كان دانيال في سلطانه قال له منجموه‬
".‫ فبات األسد و لبوته يحلسانه و نجاه هللا‬.‫ فلما ولد دانيال ألقته أمه في أجمة أسد‬.‫من يولد تلك الليلة‬
"Anna al malika allathii kaana Daaniyeel fii suldhaanihi qaala lahu munajjimuuhu:
"Yuuladu laylata kathaa wa kathaa ghulaamun yufsidu mulkaka". Fa amara bi qatli man
yuuladu tilka al laylata. Falammaa walada Daaniyeel alqathu ummuhu fii ajmati asadin.
Fa baata al asadu wa labwatuhu yaxlusaanuhu wa najjaahu Allaahu",
oo macneheedu yahay:
114
"Boqorka uu Daaaniyeel Dawladdiisa\‫ دانيال‬ku dhex noolaa ayay waxay raggiisa xidigaha ku
faaliya ku yiraahdeen:
"Habeenka sidaas iyo sidaas ah waxaa dhalan doona wiil boqornimadaada fasaadinaya oo
boqortooyadaada duminaya."
Markaasuu wuxuu Boqorku amar ku bixiyay in wiilasha habeenkaas dhasha la dilo. Markuu
Daaniyeel‫ دانيال‬habeenkaas dhashay ayay waxay hooyadiis ku tuurtay jiq uu libaax deggan yahay.
Markaasuu aarkii iyo gooshiiba -oo ah libaaxadda dheddigga ah- ay Daaniyeel‫ دانيال‬carrabkooda
ku leefleefeen jeceyl ay u qabaan daraadiis, Ilaahayna wuu badbaadiyay".
Cadnaan‫ عدنان‬ilmihiisa
Cadnaan‫ عدنان‬wuxuu dhalay laba nin oo la kala yiraahdo:
Kow. Macadd bin Cadnaan‫ معد بن عدنان‬iyo
Laba. Cakk bin Cadnaan\‫عك بن عدنان‬.
Cadnaan‫ عدنان‬walaalihiisa
Cadnaan‫ عدنان‬waxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo:
Kow. Nabtu\‫ نبت‬iyo
Laba. Camr\‫عمرو‬.
Udd\‫أد‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo labaatnaad waa
Udd\‫أد‬, lana yiri waa Udada\‫أدد‬, oo Cadnaan\‫ عدنان‬waa ina Udd\‫أد‬, hooyadiisna waa Al Nacjaa'u
bintu Camr bin Tubbac\‫النعجة بنت عمرو بن تبع‬.
Muqawwim/‫مقوم‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labo iyo labaatanaad waa
Muqawwim\‫مقوم‬, oo Udd\‫ أد‬waa ina Muqawwim\‫مقوم‬.
115
Naaxuur/‫ناحور‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo labaatanaad waa
Naaxuur\‫ناحور‬, oo Muqawwin\‫ مقوم‬waa ina Naxuur\‫ناحور‬.
Tayrax‫تيرح‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo labaatanaad waa
Tayrax\‫تيرح‬, oo Naaxuur\‫ ناحور‬waa ina Tayrax\‫تيرح‬.
Yacrub/‫يعرب‬
(25) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo labaatanaad waa
Yacrub\‫يعرب‬, oo Tayrax\‫ تيرح‬waa ina Yacrub\‫يعرب‬.
Yashjub/‫يشجب‬
(26) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo labaatanaad waa
Yashjub\‫يشجب‬, oo Yacrub\‫ يعرب‬waa ina Yashjub\‫يشجب‬.
Naabit/‫نابت‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo labaatanaad waa
Naabit\‫نابت‬, oo Yashjub\‫ يشجب‬waa ina Naabit\‫نابت‬.
Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo labaatanaad waa
Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, oo Naabit\‫ نابت‬oo waa ina Ismaaciil‫إسماعيل‬,
hooyadiisna waa Haajar\‫هاجر‬, Allaha raalli ka noqdee.
Nabi Ismaaciil‫ إسماعيل‬wuxuu noolaa saddex kun iyo saddex boqol iyo sideetan sano Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalashadiisa ka hor.
Ismaaciil\‫ إسماعيل‬waxaa loo diray dadka degah Tihaamah\‫ تهامة‬oo ah Xijaaz\‫ حجاز‬iyo Yaman\‫يمن‬
iyo gobollada halkaas ku yaalla.
116
Hooyadiisna waa Haajar\‫هاجر‬, oo amiirad masriyad\‫ أميرة مصرية‬ah ahayd. Isaguuna Ilaahay ceelka
biyaha Zamzam\‫ زمزم‬usoo burqiyey, waana ceelka adduunka ugu biyo fiican, ugu biyo badan,
uguna fac weyn.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo isagana Makkah \‫ مكة‬dhexdeeda Nabi
uma dhexeyn, oo reer Makkah\‫ مكة‬waxay wada ahaayeen muslimiin haysta shareecada iyo Diinta
Ismaaciil‫ إسماعيل‬, ilaa saddex boqol oo sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, markaasoo uu Camr bin Luxayy Al Khuzaacii\‫عمرو بن لحي الخزاعي‬,
una dhashay qabiilka Khuzaacah\‫ خزاعة‬oo Makkah\‫ مكة‬madax ka ahaa sanamkii ugu horreeyey
oo magaciisu Apollo ahaa arliga roomaanka kasoo qaatay oo Makkah\‫ مكة‬keenay, afka
Carabigana loogu bixiyey Hubal\‫ هبل‬oo uu Kacbada dhexdeeda dhigay, dadkana ku amray inay
caabudaan. Sidaasey Makkah\‫ مكة‬waxay gaalnimo ka jirtay qiyaas saddex boqol oo sano, siduu
Al Ssaxxaar\‫ السحار‬siiradaiisa ku wariyay.
Ismaaciil‫إسماعيل‬
macnihiisu waa “ducada la ajiibay” oo Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ayuu wax badan ka baryay inuu wiil siiyo, markaasaa Ilaahay ka
yeelay, sida Quraanka ku dhigan.
Dasha Nabi Ismaaciil‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu
Nabi Ismaaciil wuxuu dhalay laba iyo toban wiil oo kala ah
(Kow) Naabit\‫نابت‬, oo curadkiisa ah.
(Laba) Qaydar\‫قيدر‬, (Qaydaar-na\‫ قيدار‬waa la yiri).
(Saddex) Athbul\‫أذبول‬, (Adbiilna\‫ أدبيل‬waa la yiri).
(Afar) Manshaa\‫منشا‬.
(Shan) Mismac\‫مسمع‬.
(Lix) Maasaa‫ ماسا‬.
(Toddoba) Dimmaa\‫ دما‬.
(Sideed) Athar\‫أذر‬.
(Sagaal) Dhiimaa\‫طيما‬,
(Toban) Yadhuuraa‫يطورا‬.
(Kow iyo toban) Nabish\‫نبش‬.
(Laba iyo toban) Qaythumaa\‫قيذما‬.
Wiilashaas hooyadood magaceedu wuxuu ahaa Al Sayyidatu bintu Mudaad bin Camr Al
Jurhamiyyi\‫السيدة بنت مضاض بن عمرو الجرهمي‬, waana midda uu Ibraahiim\‫ إيراهيم‬ku oran doono,
markuu Makkah\‫ مكة‬yimid ayadoo uu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬qabo, markaasna uu Ismaaciil\‫إسماعيل‬
Makkah\‫ مكة‬ka maqan yahay:
"Waxaad ninkaaga ku tiraahdaa markuu yimaado:
117
"Raalli ayaan xakabadda gurigaaga kaaga ahay".
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Jurham\‫ جرهم‬waa ina Qaxdhaan\‫قحطان‬, Qaxdhaanna‫ قحطان‬waa aabaha Yaman\‫ يمن‬wada dhalay,
oo isaguu nasabkoodu isugu yimaadaa, Qaxdhaanna\‫ قحطان‬waa Ibnu Caabir bin Shaalakh bin
Arfakhshad bin Saam bin Nuux\‫إبن عابر بن شلخ بن أرفخشد بن سام بن نوح‬."
Haweentaas waxay Ismaaciil‫ إسماعيل‬u dhashay oo kale gabar la yiraahdo Nasmatu bintu
Ismaaciil\‫نسمة بنت إسماعيل‬, uuna guursaday ina adeerkeed Caysuu bin Isxaaq bin Ibraahiim ‫عيصو‬
\‫بن إسحاق بت إبراهيم‬, waxayna u dhashay wiil la yiraahdo Al Ruum\‫الروم‬, oo Roomaanka aabohood
ah, iyo wiil Faaris\‫ فارس‬la yiraahdo oo Iiraaniyiinta dhalay.
Laba iyo tobankaas wiil oo uu Ismaaciil‫ إسماعيل‬dhalay ayaa Carabta maanta jirta ka wada
farcantay, haddii Qaxdhaan\‫ قحطان‬laga dhigo siday culummada qaarkood yiraahdeen ina Cadnaan
bin Udd\‫عدنان بن أد‬, oo ah awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
118
Kacbada: Xijru Ismaaciila\‫حجر إسماعيل‬/Al Xadhiimu\‫ الحطيم‬oo Kacbada ku dheggan, saddex
mitirna ayba Kacbada gudeheeda ka mid yihiin. Halkaan ayay ku duugan yihiin Nabi Ismaaciil
Calayhissalaamu iyo hooyadiisa Haajar\‫ هاجر‬Allaha raalli ka noqdee. Waxaad midigtaada uga
jeeddaa Kiswada Kacbada oo darbigeeda loogu arratiray. Xasanwali 1433H/2011M.
Kacbada: midigtaadana waxaa uga dheggan Xijru Ismaaciila\‫حجر إسماعيل‬/Al Xadhiimu\‫ الحطيم‬..
Xijrigu\‫ الحجر‬wuxuu ka yimid Xujrah\‫ حجرة‬oo ah qol ama guri, waxaana halkaas ku yiillay
gurigay degganaayeen Nabi Ismaaciil Calayhissalaamu iyo hooyadiis Haajar \‫ هاجر‬, labadooduna
isla halkaas ayay ku duugan yihiin. Xasanwali 1433H/2011M.
119
Kacbada: Muslimiin ku tukanaya Xijru Ismaaciila\‫حجر إسماعيل‬/Al Xadhiimu\‫ الحطيم‬. Saddexda
mitir oo Kacbada ka sokeeya oo Xijriga ku jira waxay ka mid yihiin Kacbada gudeheeda oo
qofkii halkaas ku tukada Kacbada gudeheeda ayuu ku tukaday. Yeeyan ku seegin. Xasanwali
1433H/2011M.
Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, awoowihiisa sagaal iyo labaatanaad waa Nabi
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬, Calayhissalaamu, oo Ismaaciil‫ إسماعيل‬waa ina Ibraahiim‫ إبراهيم‬.
Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Nabi Nuux\‫ نوح‬waxaa u dhexeeyey kun sano, wuxuuna noolaa saddex kun
iyo afar boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdo Uur\‫ أور‬ee Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla, wuxuuna
ku dhintay oo lagu duugay magaalada arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku taalla oo la yiraahdo Al Khaliil\‫الخليل‬
ee ku taalla Daanta Galbeed ee wabiga Urdun
120
Ibraahiim‫ إبراهيم‬waxaa kaloo la yiraahdaa Aabaha Anbiyada\‫أبواألنبياء‬, oo inta Nabi oo isaga ka
dambeysey isagaa dhalay oo ay ku abtirsadaan, uuna dhammaantodd ugu wayn yahay uguna sharaf badan
yahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan aabahay iyo hooyadey ku furanayo.
Nabi Ibraahiim, Calayhissalaatu Wassalaamu, wuxuu magaciisu ahaa Ibraahiim ina Aazar, ina
Naaxuur, ina Saaruugh, ina Raaghuu, ina Raacuu, ina Faalikh, ina Caybar, ina Shaalakh ina
Arfakh-shath, ina Saam, ina Nabi Nuux ‫إبراهيم بن آزر بن ناحور بن ساروغ بن راغو بن راعو بن‬
\‫ فالخ بن عيبر بن شالخ بن أرفخشذ بن سام بن نوح‬Calyhissalaamu.
Hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Amatu Allaahi\‫أمة هللا‬, oo macnihiisu yahay addoonta
Ilaahay,waana Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬oo dhaddig ah. Waxaa kaloo la yiri inuu magaceedu ahaa
Nuunaar\‫نونار‬. Waxaa kaloo la yiri inuu ahaa Layuuthaa\‫ليوثى‬.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu u dhashay qabiilka Carbeed oo la oran jiray Camaaliiq\‫ عماليق‬oo
Yaman\‫ يمن‬degi jiray, waxayna reerkiisu ka guureen Yaman \‫ يمن‬afar fac aabihiis hortiis oo ay
dalka Ciraaq\‫ عراق‬degeen, halkaasoo lagu oran jiray "Al Curbaanu\‫"العربان‬, oo ah "Carabta".
Dadka Ciraaq\‫ عراق‬dega waxaa la oran jiray Kildaaniyiin\‫ كلدانيين‬oo loogu bixiyay ayagoo loo
nisbeeyey gobolka Kildaa\‫ كلدا‬kaddib markay soo weerareen oo ay seef iyo xoog uga adkaadeen
oo ay arligoodana kala wareegeen, dadka arligaas asalka u degi jiray oo la oran jiray Al
Suumaariyyiina\‫السوماريين‬, halkaasna ay degeen.
Sidoo kale waxay Camaaliqdu\‫ العمالق‬ku duuleen arliga Masar\‫ مصر‬oo faraaciintii xukuntay ka
adkaadeen, ayna xukunka kala wareegeen, lana baxeen Haksuus \‫هكسوس‬. Sidoo kale waxay
qabsadeen Shaam\‫الشام‬.
Boqorka Baabil\‫بابل‬, oo Baabil\‫ بابل‬macneheedu waxaa weeye: "Baab\‫ "باب‬oo ah "albaab" iyo
"Iil\‫ "أيل‬oo ah "Ilaahay" oo sidaasay Baabil\‫ بابل‬waxay ku tahay "Albaabka Ilaahay", oo ahaa
Namruud\‫ نمرود‬ayaa loo sheegay inuu boqortooyadiisa dumin doono oo ay kala wareegi doono
wiil Carabtaas soo haajirtay u dhashay.
Markaasuu wuxuu amray in wiil kasta oo u dhasha la dilo. Sidaasuu Ibraahiim ‫إبراهيم‬
awoowihiisa aabihiis Aazar\‫ آزر‬dhalay wuxuu markay hooyadiis soo dhowaatay markay
Ibraahiim‫ إبراهيم‬dhali lahayd wuxuu ku qariyay, ayadoo uu ninkeedu Baabil\‫ بابل‬ku maqnaa, hog
uu lahaa oo ku yiillay xagga dambe ee beertiisa.
Hoggaas ayuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬ku dhashay, ayna hooyadiis ku haysay ilaa uu saddex sano gaaro,
siday Jaamacadda Al Azhar\‫ جامعة األزهر‬ugu xaqiijisay musalsalka laga sameeyey kitaabka Cabdu
Al Xamiid Jawdah Al Ssaxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬oo magaciisu yahay Muxammadun Rasuulu
Allaahi\‫محمد رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Erayga Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah "Ab\‫ "أب‬oo ah "aabe" iyo
"Raam\‫ "رام‬oo ah riximka ama ilmo galeenka, taasoo macnaha magaciisa ka dhigaysa aabaha
dad isku aaba ah ayse kala dhaleen arxaam\‫ أرحام‬kala duwan, waana "aabaha shucuubta iyo
qabaa'ilka" iyo "aaabaha umadaha".
121
Hooyadiis waxaa lagu yiri intay godka ku jirtay u bixi "Ibraahiim‫إبراهيم‬, ama Abraahiim".
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬ku amray inuu arliga Ciraaq\‫ عراق‬ka haajiro
oo uu diinta islaamka arliyada kale geeyo. Markaasuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬u hoggaansamay amarka
Ilaahay.
Markuu Nabi Ibraahiim isagoo fulinaya amarka Ilaahay Ciraaq\‫ عراق‬kasoo guuray oo uu arliga
Shaam\‫ الشام‬usoo guuray wuxuu kasoo tillaabay wabiga Fuurat\‫نهر الفرات‬.
Dadka Shaam\‫ الشام‬waxaa wabigaas u joogay ilaalo usoo sheegta dadka xagga Ciraaq \‫ عراق‬uga
imaanaya, oo dagaal badnaa, xarbina wabiga uga soo tillaabi jiray.
Markaasay markay ilaaladu aragtay Nabi Ibraahiim iyo muslimiinta la socota oo wabiga kasoo
tillaabaya ayay waxay la qayliyeen oo yiraahdeen:
"haa cibriim\‫ها عبريم‬, haa cibriim\‫"ها عبريم‬
oo macneheedu yahay: "war hoy wabiga Furaat\‫ الفرات‬ayay kasoo tillaabeen".
Halkaasuu ka yimid erayga "Cibraaniyyiin\‫ "عبرانيين‬ama Ebreo ama Hebrew, oo waa kaas
macnihiisu, mana aha qabiil iyo qolo toona ee waxaa la oran jiray cidda wabiga Furaat \‫الفرات‬
kasoo tillaabta, oo cibriim\‫ عبريم‬waa jamaca cabbara\‫ عبر‬oo ah waa kasoo tillaabay.
Markay soo tillaabeen ayay reer Shaam\‫ الشام‬ka cabsadeen oo ka argagexeen. Markaasuu
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu muslimiinta ku yiri:
"waxaad tiraahdaan Salaam\‫ سالم‬si ay cabsidu uga baxdo."
Markaasay wada yiraahdeen, dadka meeshaas degganaana ay cabsidu uga baxda, uuna usoo
dhoweeyey oo uu lo'diisa caano uga maalay oo siiyay. Bartaas uu Ibraahiim‫ إبراهيم‬lo'da ugu
maalay waa magaalada hadda la yiraahdo Xalab\‫ حلب‬oo Suuriya\‫ سوريا‬ku taalla, oo xalaba\‫حلب‬
waxaa weeye caanu lisay.
Markaasuu ku marti qaaday, uuna ku yiri:
"markay cabbaysaanna waxaad ku bilowdaan adinkoo leh Bismi Allaahi\‫هللا‬
dhammaysataanna waxaad tiraahdaan al xamdu li Allaahi\‫الحمد هلل‬."
‫بسم‬,
markaad
Dalalka Nabi Ibraahiim loo diray waxaa ka mid ahaa Ciraaq \‫عراق‬, Shaam\‫الشام‬, Masar\‫مصر‬,
Xijaaz\‫ الحجاز‬oo isaga iyo wilkiisa Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ayaaba Kacbada Makkah\‫ مكة‬ku taalla
dhisay.
Dhasha Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu
Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, wuxuu lahaa ilmo kale oo aan Ismaaciil\‫ إسماعيل‬iyo
Isxaaq\‫ إسحاق‬ahayn, waxayna kala yihiin sideed caruur oo ay u dhashay haweeneyda la yiraahdo
Qadhuuraa binti Yaqdhir\‫قنطوراء بنت يقطر‬, ayna ka mid yihiin:
(1) Madyaanu\‫ميدان‬.
122
(2) Zamraanu\‫زمران‬
(3) Sirju\‫سرج‬.
(4) Niqshaanu\‫نقشان‬, kanoo intuu guursaday haweeney la yiraahdo Righwatu\‫ رغوة‬u dhashay nin
la yiraahdo Barbar\‫بربر‬, kanoo ah aabahay ku abtirsadaan dadka Barbariyiinta\‫ البرابر‬la yiraahdo,
oo Waqooyiga iyo Waqooyi Bariga Afrika ku nool. Riwaayad ayaa waxay warisay inuu
ninkaanu dhalay soomaalida, oo uu ahaa midka ugu horreeyey oo magaalada Barbara dega.
(5) Nashaq\‫نشق‬.
(6) Madan\‫مدن‬.
Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, wuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Xajjuun
bintu Uhayn\‫حجون بنت أهين‬, wxayna u dhashay shan wiil oo kala ah:
(1) Kiisaan\‫كيسان‬.
(2) Suuraj\‫سورج‬.
(3) Umaym\‫أميم‬.
(4) Luudhaan\‫لوطان‬.
(5) Naafis\‫نافس‬.
Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu walaalihiis
Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu waxaa la dhashay laba wiil oo la kala yiraahdo:
(Kow) Haaraan bin Aazar\‫هاران بن آزر‬, oo ah aabaha dhalay Nabi Luudh Calayhissalaamu.
(Laba) Naaxuur bin Aazar\‫ناحور بن آزر‬, oo gaalnimadiisa ku dhintay.
123
124
Qabriga Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu oo ku yaalla magalada Al Khaliil \‫ الخليل‬ee arliga
Falasdhiin\‫فلسطين‬, oo Baytu Al Maqdis u jirta lix iyo soddon kiiloomitir, kuna taalla daanta
galbeed ee wabiga Urdun\‫نهر األردن‬.
Aazar/‫آزر‬/‫تارح‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa soddonaad waa Aazar\‫ آزر‬oo
Ibraahiim‫ إبراهيم‬waa ina Aazar\‫آزر‬. Waxaa la yiri: “Magaciisu waa Aazar‫” آزر‬. Waxaa kaloo la
yiri wuxuu lahaa laba magic oo kale ah Azar‫ آزر‬iyo Taarax‫” تارح‬. Waxaa kaloo la yiri: “Aazar
\‫آزر‬waa magaca sanamka.”
Ilamaha Aazar‫آزر‬
Azar wuxuu dhalay saddex wiil oo la kala yiraahdo:
(Kow) Nabi Ibraahiim Calayhissalaamu.
(Laba) Haaraan bin Aazar\‫هاران بن آزر‬, oo ah aabaha dhalay Nabi Luudh Calayhissalaamu, wuuna
islaamay.
(Saddex) Naaxuur bin Aazar\‫ناحور بن آزر‬, oo gaalnimadiisa ku dhintay.
125
Naaxuur/‫ناحور‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo soddonaad waa
Naaxuur\‫ ناحور‬oo Aazar\‫ آزر‬waa ina Naaxuur\‫ناحور‬, magacaanoo ka yimid al naxru\‫ النحر‬oo ah
gawricidda.
Saaruugh/‫ساروغ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa laba iyo soddonaad waa
Saaruugh\‫ ساروغ‬oo Naaxuur\‫ ناحور‬waa ina Saaruugh\‫ساروغ‬.
Raacuu/‫راعو‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo soddonaad waa
Raacuu\‫ راعو‬oo Saaruugh\‫ ساروغ‬waa ina Raacuu\‫راعو‬.
Faalikh/‫فالخ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo soddonaad waa
Faalikh\‫فالخ‬, oo Raacuu\‫ راعو‬waa ina Faalikh\‫فالخ‬.
Caybar/‫عيبر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo soddonaad waa
Caybar\‫عيبر‬, oo Faalikh\‫ فالخ‬waa ina Caybar\‫عيبر‬.
Shaalakh/‫شالخ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo soddonaad waa
Shaalakh\‫شالخ‬, oo Caybar\‫ عيبر‬waa ina Shaalakh\‫شالخ‬. Shaalakh\‫ شالخ‬macnihiisu waa Rasuulka
ama Wakiilka.
Arfakhshath/‫أرفخشذ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo soddonaad waa
Arfakhshath‫ أرفخشذ‬, oo Shaalakh\‫ شالخ‬waa ina Arfakhshath\‫أرفخشذ‬.
126
Saam\‫سام‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo soddonaad waa
Saam\‫ سام‬, oo Arfakhshath\‫ أرفخشذ‬waa ina Saam\‫سام‬.
Magaalada Yaman\‫ يمن‬ku taalla ee la yiraahdo Nihm‫ نهم‬waxay caasimadda Sancaa\‫ صنعاء‬u jirta
qiyaas labaatan kiiloomitir, waxayna dawladda Yaman\‫ يمن‬leedahay inuu qabriga Saam bin
Nuux\‫ سام بن نوح‬ku yaallo isla tuuladaas Nihm\‫نهم‬.
Waxaa ayaduna lixdan kiiloomitir Sanca\‫ صنعاء‬koofurta iyo marka Al Xudaydah\‫ الحديدة‬loo socdo
ka xigta tuulo la yiraahdo “Baytu Saam\‫”بيت سام‬, oo ay hadda Ashraaf\‫ أشراف‬deggan yihiin. Buur
tuuladaas ku taalla oo farta la iigu fiiqay waxaa ku yaalla ayaa la igi yiru gurigii uu degganaa
Saam bin Nuux\‫بيت سام بن نوح‬, runtana rabbi ayaa og.
Kitaabka ajaanibta loogu talo galay oo carabi iyo ingiriiska ku dhigan oo la yiraahdo “Maliikatu
Al Zamaani\‫ – مليكة الزمان‬Sana’a the Queen of Time” ayna dhigtay Hay’adda Yaman u qaabilsan
maalgelinta dalxiiska “Al Hay’ah Al Caammah lltanmiyah Al Sayaaxiyah ‫الهيئة العامع للتنمية‬
\‫ ”السياحية‬Wasaaradda Suugaanta iyo Dalxiiska\‫ وزارة الثقافة والسياحة‬ee Dawladda Yaman\‫يمن‬
wuxuu bogga saddexaad ku yiri:
“Riwaayaduhu waxay wariyeen inuu Sancaa\‫ صنعاء‬kan ugu horreeyey oo dhagexeeda dhigay uu
ahaa Saam bin Nuux\‫ سام بن نوح‬Calayhissalaamu oo isagaba loogu magic daray – oo la oran jiray
Sam City oo ah Madiinatu Saam\‫ – مدينة سام‬kaddibna waxaa loo bixiyay Aazaal\‫ آزال‬oo loogu
magic daray boqorka Azaal bin Yaqdhan\\‫ آزال بن يقطن‬oo uu Saam bin Nuux\‫ سام بن نوح‬awoowe
u ahaa.”
Waxaan ayaduna Nihm\‫ نهم‬ka fogayn magaalada la yiraahdo Dhahrah\‫ طهرة‬oo ilaa labaatan
kiiloomitir Sanca\‫ صنعاء‬u jirta, uuna ku yaallo Qabriga Nabi Ayyuub\‫أيوب عليه السالم‬, runtana
Rabbi ayaa og.
127
Waxaa buurta dhaladeeda ka muuqda wax doon u eg oo la yiri waa doontii Nabi Nuux
Calayhissalaamu kuna taalla tuulada Nihm\‫ نهم‬ee Yaman \‫ يمن‬tuuladaasoo la sheegay inuu ku
yaallo qabriga Saam bin Nuux\‫سام بن نوح‬. Xasanwali Shawwaal 15 1434 H - 21/09/2013 M.
128
Tuulada Baytu Saam\‫ بيت سام‬oo la yiri inay buurtaas dhaladeeda uu ku yaallo guriguu degay
Saam bin Nuux\‫سام بن نوح‬. Xasanwali Shawwaal 15 1434 H - 21/09/2013 M.
Nabi Nuux\‫نوح‬, Calayhissalaamu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo soddonaad waa
Nabi Nuux\‫نوح‬, Calayhissalaamu, oo Saam\‫ سام‬waa ina Nuux‫نوح‬.
Waxaa la yiri inuu Nuux‫ نوح‬magaciisu ahaa Cabdu Al Ghaffaar\‫عبد الغفار‬, Nuux-na‫ نوح‬loogu
bixiyay badnida oohintiisa kaddib markuu dambiga galay oo uu dambigaas ka ooyayo, oo
naaxa\‫ ناح‬macnihiisu waxaa weeye waa booyay oo baroortay, erayguna wuxuu ka yimid ‫ النوح‬oo
ah boohinta.
Nuux‫ نوح‬iyo Aadan\‫ آدم‬waxaa u dhexeysay kun sano, wuxuuna noolaa afar kun iyo shan boqol
iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Nuux‫ نوح‬wuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdoo Shuurbaak\‫ شورباك‬oo dalka Ciraaq\‫ عراق‬ku
taalla. Doontuu dhisayna waxay ka kobnayd saddex dabaq, oo dabaqa ugu hooseeya waxaa
saarnaa xoolaha nafleyda ah, oo noociiba ay laba ka saarnaayeen mid labood ah iyo mid dhaddig
ah. Dabaqa labaad waxaa saarnaa dadkii rumeeyey oo ahaa sideetan nin iyo caruurtooda, oo uu
midkood Jurham\‫ جرهم‬ahaa. Shuurbaak‫ شورباك‬bad iyo wabi toona ma laha, taas ayaana u sabab
ah inuu tolkiisa gaalada ahi ku qosleen markay arkeen isagoo doon dhisaya. Isaguna sida doon la
dhiso ma aqoon, waxaase baray Ilaahay, siduu Quraanku noo sheegay.
Ubadkii dadkaas oo idil ma ayan tarmin oo waa cirib go'een, banii Aadanka adduunka maanta ku
noolna wuxuu ka kooban yahay ubadka saddexdiisii wiil oo kala ahaa Saam \‫ سام‬iyo Xaam\‫حام‬
iyo Yaafith\‫)يافث‬.
Dadka uu ka dhashay oo loo dirayna waxaa la oran jiray Banuu Raasib\‫بنوراسب‬, sida annaga
Soomaali naloo yiraahdo oo kale.
Dhuufaantu waxay socotay, oo uu cirkana roob ka soo degayey, dhulkana ay biyo kasoo
burqanayeen toddoba habeen iyo toddoba maalmood. Waxaa sidaas ku halaagmay oo ku dhintay
wixii nafley ahaa oo adduunkaan oo idil iyo qaaradihiisa ku noolaa, intaan ahayn intii doontaas
saarneyd, siduu ayadana noo sheegay sharaxa Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiix Al Bukhaarii ‫فتح‬
\‫الباري بشرح صحيح البخاري‬, Xadiithka saddex boqol iyo shan iyo soddon sharaxiisa.
Waxay ku qaadatay lix bilood iyo toban maalmood inuu dhulku biyahaas ka leqo, oo uu qallalo.
Meeshay doontu ku degatay waxaa loo bixiyay magaalada Thamaaniina\‫قرية ثمانين‬, oo ah
sideetan, ahna tirada dadkii doonta saarnaa, oo ayaduna dalka Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla.
129
Ummadda Nabi Nuux\‫ نوح‬ayaa ugu horreysey cid gaalowda, oo intii ka horreysey Muslin ayay
wada ahaayeen.
Dadka Nabi Nuux\‫ نوح‬waxay caabudeen shan sanam, oo siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla
‫هللا‬
\‫عزوجل‬, Suuratu Nuux\‫ سورة نوح‬noogu sheegay kala ahaa Waddan\‫ ودا‬iyo Suwaacan\‫ سواعا‬iyo
Yaghuutha\‫ يغوثا‬iyo Yacuuqa\‫ يعوقا‬iyo Nasran\‫ نسرا‬.
Makkata Al Mukarramata‫ مكة المكرمة‬dadka deggani waxay ahaayeen weligood Muslin waxayna
gaalnimadu soo gashay markuu ninka la oran jiray Camr bin Luxayyin bin Qamacata bin Ilyaas
Al Kuzaaciyyi\‫ عمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس الخزاعي‬oo ahaa madaxa qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬,
waqtigay Khuzaacah\‫ خزاعة‬, haysay Maamulka Baytka, kaasoo asnaam inta keenay dadka ku
amray inay caabudaan, taasoo ku beegnayd saddex boqol oo sano ka hor dhalashada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Asnaamtasna waxaa burburiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu
Ilaahay Makkah\‫ مكة‬u furay ee sanadka sideedaad ee Hijrada. Sidaas ay gaalnimadu waxay
Makkah\‫ مكة‬ka jirtay saddex boqol oo sano oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam ka horreysey.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenkii la dheelmiyay, wuxuu Camr bin
Luxayyin\‫ عمرو بن لحي‬kusoo arkay Naarta, isagoo foorara oo madixiisuna hooseeyo lugihiisuna
korreeyaan oo sankiisa naarta loogu jiidayo, oo wajigiisa ku socda, siduuna Al Bukhaarii \‫البخاري‬
ugu wariyay Xadiithkiisa mujalladka afaraad bogga laba boqol afar iyo labaatan, Muslim-na\‫مسلم‬
kow iyo konton.
Ilmaha Nabi Nuux Calayhissalaamu
Kitaabka la yiraahdo ‫ رفع شأن الحبشان‬Rafcu sha'ni al xubshaani waxaa allifay Al Imaamu al
xaafitu Jalaalu Al ddiini Cabdu Al Rrraxmaanu Al Ssayuudhii ‫اإلمام الحافظ جالل الدين عبد الرحمن‬
\‫( السيوطي‬oo dhintay sanadka sagaal boqol iyo kow iyo toban ee Hijrada), ahna mid ka mid ah
labada nin oo alliftay kitaabka tafsiirka ee Tafsiiru Al Jalaalayni\‫تفسير الجاللين‬.
Kitaabkaanna waxaa lagu daabacay Masar\‫ مصر‬sanadka kun afar boqol iyo kow iyo toban, una
dhiganta kun iyo sagaal boqol kow iyo sagaashan miilaadiga ah, waxaana sharxay Al Doktoor
Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadl\‫ د\محمد عبد الوهاب فضل‬oo kaaliye macallin ku ah taariikhda
islaamka ee Kulliyada afka Carabiga ee Al Qaahirah ee Jaamacada Al Azhar\‫جامعة األزهر بالقاهرة‬.
130
Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬wuxuu bogga kow iyo lixdanaad Samurah bin Jundub\‫ سمرة بن جندب‬ka
wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"سام أبو العرب ويافث أبو الروم وحام أبو الحبشة‬
"Saam abuu Al Carabi wa Yaafith abuu Al Ruumi wa Xaam abuu Al Xabash."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Saam\‫( سام‬waa ina Nabi Nuux Calayhissalaamu) waa aabaha dhalay Carabta, Yaafith \‫( يافث‬ina
Nabi Nuux) waa aabaha dhalay roomaanka, Xaamna\‫( حام‬ina Nabi Nuux) waa aabaha dhalay
xabshada (oo ah dadka madow oo dhan, ayagoo dhammantood isaga ku abtirsada).”
Waxaa wariyay Al Tarmathii\‫الترمذي‬, yirina waa Xadiith Xasan\‫حديث حسن‬. Waxaa kaloo wariyay
Ibnu Sacad\‫إبن سعد‬, ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬oo Al Bidaayah iyo Nihaayah\‫ البداية والنهاية‬ku wariyay,
iyo Imaam Axmad\‫ اإلمام أحمد‬iyo Al Dhabarii\‫ الطبري‬iyo kuwo kaleba.
Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬wuxuu kaloo bogga afar iyo lixnadaad ee isla kitaabkiisaas Abuu Hurayrah
\‫ أبوهريرة‬uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ وولد يافث يأجوج ومأجوج‬.‫ فولد سام العرب وفارس والروم والخير فيهم‬.‫"ولد نوح سام وحام ويافث‬
".‫ وولد لحام القبط والبربر والسودان‬.‫والترك والصقالبة والخير فيهم‬
"Walada Nuuxun Saam wa Xaam wa Yaafith. Fa walada Saam Al Carab wa Faaris
wa Al Ruum wa al khayru fiihim. Wa walada Yaafith Ya'juuj wa Ma'juuj wa al
turka wa al Saqaalibata wa laa khayra fiihim. Wa walada li Xaamin Al Qibdhu wa
al Barbaru wa Al Suudaanu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Nuux\‫ نوح‬wuxuu dhalay Saam\‫ سام‬iyo Xaam\‫ حام‬iyo Yaafith\‫يافث‬. Markaasuu Saam\‫ سام‬wuxuu
dhalay Carabta iyo Faaris\‫( فارس‬oo ah iiraaniyiinta) iyo Roomaanka, khayrkuna ayaguu ku jiraa.
Yaafithna\‫ يافث‬wuxuu dhalay Ya'juuj iyo Ma'juuj\‫ يأجوج ومأجوج‬iyo Turkiga iyo Al
Saqaalibah\‫( السقالبة‬oo ah dadka slavs la yiraahdo, sida kuwa bariga yurub dega, sida Romania,
Poland, Bulgaria, iwm.), khayrna ma laha, Xaamna\‫ حام‬waxaa loo dhalay Al Qibdhu\‫( القبط‬oo
Masar\‫ مصر‬degah) iyo Barbarta\‫ البربر‬iyo dadka madow."
Xadiithka waxaa kaloo uu Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬ku wariyay Fatxu Al
Baarii\‫فتح الباري‬, kaddibna ku daray oo yiri:
"silsiladdiisana taag darro ayaa ku sugan."
Waxaa kaloo wariyay ibnu Kathiir\‫( إبن كبثر‬Al Bidaayah wa al Nihaayah\‫)البداية والنهاية‬.
131
Al Mascuudii\‫ المسعودي‬wuxuu Muruuju Al Th-thahabi\‫ مروج الذهب‬ku sheegay inayan dadka wax
baara isku khilaafsanyan inuu Yaafith ina Nuux\‫ يافث إبن نوح‬yahay kan ugu yar ee wiilasha Nuux
\‫نوح‬, iyo inay dhashiisa ka mid yihiin Al Afranjah\‫( األفرنحة‬oo ah fransiiska iyo dadka Yurub
degah qaarkood) iyo al Saqaalibah\‫ السقالبة‬iyo Al Nuukubard\‫( النوكبرد‬oo ah qabiil ka mid ah
jarmanka) iyo Al Ashbaan\‫( األشبان‬oo ah dadka dega dalka la yiraahdo Spain oo koofurta galbeed
ee yurub ku yaalla) iyo Ya'juuj iyo Ma'juuj\‫ يأجوج ومأجوج‬iyo Turkiga iyo Al Khazar\‫( الخزر‬oo ah
dadka degah dhulka Bari iyo Waqooyi ka xigah dalka Turgiga oo buuraaleyda Al
Qawqaaz/kaukasus kasii dambeeya iyo Badda Caspian, ayna magaalo madax u ahaan jirtay
Itiil\‫أتيل‬, lehna indhaha yar sida shiinaha, siduu Lisaanu Al Carab\‫ لسان العرب‬u yiri).
Al Saqaalibah\‫ السقالبة‬waa dhasha Maar bin Yaafith bin Nuux\‫ مر بن يافث بن نوح‬isagayna ka
farcameen dhammaan jinsiga Saqaalibada, waxayna degaan Al Judaa\‫ الجدا‬ilaa ay kala xiriiraan
Al Maghrib\‫المغرب‬, waana jinsiyo kala duwan oo ay dagaallo dhex yaallaan, qaarkoodna ay
Nasraaniyada ka diin yeeshaan, qaaraana Kitaab lahayn." (Muruuju Al Thahab \‫ مروج الذهب‬2/3234)
Ibnu Kathiir\‫ إبن كبثر‬wuxuu Al Bidaayah wa Al Nihaayah\‫( البداية والنهاية‬2/110) ku yiri:
"Yaafith\‫ يافث‬ayaa dhalay Turkiga. Ya'juuj iyo Ma'juuj \‫ يأجوج ومأجوج‬waa qayb turkiga ka mid ah
waana dadka la yiraahdo Maghuul\‫( المغول‬oo hadda la yiraahdo Mongol oo shiinaha la dariska
ah, ama kaba tirsan). Turkigana waxaa magacoodaan ah turki loogu bixiyay ayadoo markuu
Thuu Al Qarnayn\‫ ذوالقرنين‬biyo xireenka ama darbiga siday Suuratu Al Kahfi\‫ سورة الكهف‬noo
sheegtay dhisay, uuna Ya'juuj iyo M'ajuuj\‫ يأجوج ومأجوج‬uu gadaashiisa ku takooray waxaa ka
hartay koox aan fasaadkooda oo kale gaarin, markaasay ka tageen, markaasaa turki lagu
magacaabay, oo ah kuwa laga tegey – oo taraka\‫ ترك‬macneheedu waxaa weeye waa ka tegey."
Quudh bin Xaam\‫ قوط بن حام‬wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Bukht\‫ بخت‬uuna dhalay
Bitaawiil\‫بتاويل‬, markaasey waxay u dhashay wiil uu u bixiyay Qibdh\‫قبط‬, oo ay
Masaaridu\‫ المصارى‬ka farcamdeen.
Wiilka kale ee Xaam\‫حام‬, magaciisuna yahay Kancaan\‫ كنعان‬wuxuu guursaday Bukht ina
Bitaawiil\‫ بخت بنت بتاويل‬walaasheed magaceedu yahay Artiil\‫أرتيل‬, markaasey waxay u dhashay
wiilasha ay dadka madow oo idil ku abtirsadaan, ayna ka mid yihiin Nuubah\‫( نوبة‬oo ah aabaha
dadka Suudaan degah oo Nuubiyiinta la yiraahdo) iyo Fazaan \‫فزان‬.” Waa intaas warkiisu Allaha
dambigiisa dhaafee.
Y’ajuuj iyo M’ajuuj\‫يأجوج ومأجوج‬: waa ingiriiska iyo inta ka farcantay sida Amerikaanka,
Kanada, Australia, New Zealand; iyo Jarmanka iyo inta ka farcantay siday Sweden, Norway,
Danimark iwm.; iyo Fransiiska iyo inta ka farcantay; Ruushka iyo inta ka farcantay.
Qabriga Nuux‫ نوح‬wuxuu ku yaalla magaalada Al Karak\‫ الكرك‬oo boqol sideed iyo toban
kiiloomitir koofurta ka xigta Cammaan\‫ عمان‬caasimadda dalka Urdun\‫أردن‬, aniguna waan dul
istaagay, waana guri isaga iyo albaabkiisu midab cagaaran leeyahay oo keligiis buur dusheed ka
taagan. Markaan tegay albaabku wuu xirnaa.
132
Mar aan kow iyo labaatanka bisha Septembar laba kun iyo saddex iyo toban miilaadiga aan biyo
xireenka Ma’rib\‫ مأرب‬oo Quraanka Kariimka ah, Suuradda Saba’\‫ سورة سبأ‬Aayaddeeda lix iyo
toban ku xusan, iyo qasriga Bilqiis boqoradda Saba’\‫ بلقيس ملكة سبأ‬oo ayaduna Suuratu Al
Namli\‫ سورة النمل‬ku xusan tegey waxaan sii marnay tuulada la yiraahdo Nihm\‫ نهم‬oo Sanca\‫صنعاء‬
xagga qorrax kasoo bax shan iyo labaatan kiiloomitir ka xigta.
Waxaan la socday taxi aan Sanca\‫ صنعاء‬ka ijaartay uuna waday nin noo sheegay inuu Hay’adda
dalxiiska u shaqayn jiray, oo uu ajaanibta meelaha taariikhiga ah geyn jiray, kaddibna uu
baabuurkaan gatay si uu u iskiis u shaqaysto.
Ninkaasu wuxuu noo sheegay inay doonta Nabi Nuux Calayhissalaamu ku degatay buurtaan la
yiraahdo Jabalu Al Juud\‫ جبل الجود‬sida ku xusan Aayadda afar iyo afartan ee Suuratu Huud ‫سورة‬
\‫هود‬, oo ku yaalla tuulada Nihm\‫ نهم‬oo Sanca\‫ صنعاء‬ilaa labaatan kiiloomitir u jirta.
Wuxuuna ku daray inay doonto dhagax noqotay, ayse bicthah\‫بعثة‬, oo ah wafdi culummada
hawshaas ku takhasustay, fransiis ah baareen oo ay sugeen inay doon qori ka samaysan ahaan
jirtay, agteedana laga helay xoolo ayaguna dhagax noqday iyo waxa dadku ku isticmaalo oo kale.
Wuxuuna ku daray inay doonto xagga Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬u jeeddo. Bal fiiri
masawirrada doonta iyo Nihm\‫نهم‬.
Deegaankaas wuxuu ku magacaabay in la yiraahdo Nihm\‫نهم‬
– Tawmah\‫ – تومة‬Al
Sancaa’\‫الصنعاء‬.
Qabriga Nabi Nuux, Calayhissalaamu, oo ku yaalla buur dusheed magaalada la yiraahdo Al
Karak\‫ الكرك‬oo ku taalla arliga Boqortooyada Haashiimiga ah ee Al Ardun \‫المملكة الهاشمية األردنية‬,
133
koofurta Caasimadda Cammaan\‫عمان‬. Waxaan dul istaagay oo masawiray bartamaha sanadka
miilaadiga ah ee kun sagaal boqol afar iyo sagaashan, bisha juunyo/luulyo. Qabrigu xabaalo
ayuu ku dhex yaallaa. Xasanwali.
Lamku/‫لمك‬
(Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afartanaad waa Lamku\‫لمك‬,
oo Nuux\‫ نوح‬waa ina Lamku\‫لمك‬, oo ah ninkii ugu horreeyey cuudka muusikada la tumo tumah.
Mattuushalakh‫متوشلخ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo afartanaad waa
Mattuushalakh\‫متوشلخ‬, oo Lamku\‫ لمك‬waa ina Mattuushalakh\‫متوشلخ‬, magaca macnihiisuna
waxaa weeyey Rasuulkii waa dhintay, isagoo uu aabihiis Akhnuush\‫ أخنوش‬Rasuul ahaa, Ibnu
Isxaaqna\‫ إبن إسحاق‬uu yiri waa Nabi Idriis\‫إدريس‬, culummada badankooduna ay yiraahdeen
inuusan Idriis‫ إدريس‬nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ku jirin, oo
habeenka Al Israa' wa Al Micraaj\‫اإلسراء والمعراج‬, oo markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waana habeenka la dheelmiyay, uu Idriis‫ إدريس‬Samada Afaraad kula kulmay
wuxuu ku yiri:
"Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo walaalka suubanow", oo kuma uusan oran siday
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Aadan\‫ آدم‬ku yiraahdeen oo ahayd:
"Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo wiilkayga suubanow".
Idriis‫ إدريس‬wuxuu kaloo ahaa Nabiga ugu horreeyey oo Aadan‫ آدم‬ka dambeeyey, iyo ninkii ugu
horreeyey oo qalin wax ku dhigah.
Akhnuukh/‫أخنوخ‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labo iyo afartanaad waa
Akhnuukh\‫أخنوخ‬, oo Mattuushalakh\‫ متوشلخ‬waa ina Akhnuukh\‫أخنوخ‬.
Yard/‫يرد‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo afartanaad waa
Yard\‫ يرد‬ama Yaarid\‫يارد‬, oo Akhnuukh\‫ أخنوخ‬waa ina Yard\‫يرد‬.
134
Mahlayil/‫مهليل‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo afartanaad waa
Mahlayil\‫مهليل‬, oo Yard\‫ يرد‬waa ina Mahlayil\‫مهليل‬.
Qaynan/‫قينن‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo afartanaad waa
Qaynan\‫قينن‬, oo Mahlayil\‫ مهليل‬waa ina Qaynan\‫قينن‬.
Yaanish/‫يانش‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo afartanaad waa Yaanish\‫يانش‬,
oo Qaynan\‫ قينن‬waa ina Yaanish\‫يانش‬. Yaanish\‫ يانش‬macnihiisu waxaa weeye runlowga, isagaana ahaa
ninka ugu horreeya oo geed timireed tallaalah.
Kaddib markuu Ilaahay Nabi Adan Calayhissalaamu u waxyooday inuu wiilkiisa Anuush\‫أنوش‬
doorto oo uu u dardaarmo, wuxuu Shiith\‫ شيث‬ogaaday in geeridiisa loo sheegay oo uu
dhimanayo. Sidaas ayuu Shiith\‫ شيث‬u dardaarmay wuxuuna khaliif ka dhigtay umuuraha
maareeya isaga dabadiis, wiilkiisa Anuush‫أنوش‬. Waxaa kaloo la yiri wiilka magaciisu waa
Yaanish\‫يانش‬. Waxaa kaloo la yiri waa Anash\‫أنش‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Anuush\‫ أنوش‬waxaa weeye Al Saadiqu\‫ الصادق‬oo macnihiisu yahay kan runlowga ah, afka
Carabigana waxaa lagu yiraahdaa Anash\‫أنش‬."
Mughlaadhay‫ مغالطي‬wuxuu yiri:
"Waa Yaanish\‫ يانش‬oo macneheedu yahay Al Saadiqu\‫الصادق‬, kan runlowga ah, siduu u xusay
kitaabka Al Nuuru\‫"النور‬.
Yaanish\‫ يانش‬ayay madaxtinnimada khalqigu usoo wareegtay aabihiis dabadiis, hawshaasoo uu
sidii aabihiis oo kale ugu qumay.
Yaanish\‫ يانش‬wuxuu lahaa dhererka iyo caddaanta iyo quruxda aabihiis, wuxuuna noolaa
sagaal boqol iyo konton sano. Waxaa kaloo la yiri sagaal boqol iyo labaatan sano. Waxaa
ayadana la yiri sagaal boqol iyo shan iyo lixdan sano.
Shiith\‫ شيث‬ina Aadan\‫ آدم‬wuxuu wiilkiisa Yaanish\‫ يانش‬kala dardaarmay inuusan nuurkaan, oo
wajiga Aadan\‫ آدم‬sida qorraxda uga nuurayey, ku wareejin waxaan ahayn haween daahirad ah
mooyee. Sidaas ayuu dardaarankaasi u taagnaa, oo uu facba faca ku xiga ugala dardaarmayey.
135
Sidaas ayuu markaasi rag suuban iyo haween daahiraad ah isugu gudbiyeen ilaa uu uga soo
gudbo Cabdi Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬.
Markaasuu Ilaahay ugu nicmeeyey inuu nuurkaasu u wareego oo ay ku liibaanto Aaminah bintu
Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raalli ka noqdee, hooyada dhashay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Shayth/‫شيث‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo afartanaad waa
Shayth\‫شيث‬, oo Yaanish\‫ يانش‬waa ina Shayth\‫شيث‬.
Shayth\‫ شيث‬macnihiisu waa Alle ku sii, banii Aadanka oo idilna isagay ka farcameen, ayagoo
ilmihii kale oo Aadan\‫ آدم‬ay cirib go'een.
Aadan‫ آدم‬wuxuu dhashiisa kala dardaarmay Shiith\‫ شيث‬, Calayhisssalaamu, ayaguna way
adeeceen oo ay walaalkood u hoggansameen.
Waxaa Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
".‫"لم يمت آدم حتى بلغ أوالده وأحفاده أربعين ألفا الصلبية منهم أربعون‬
Oo macnihiisu yahay:
"Aadan‫ آدم‬ma uusan dhiman jeer ay caruurtiisa iyo kuwa awoowaha uu u yahay afartan kun
gaareen, afartankaas kunna ay ka mid yihiin afartan uu isagu dhalay."
.Kitaabka Musnadu Al Firdawsa\‫ مسند الفردوس‬wuxuu Anas\‫ أنس‬ka wariyay inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ "إن ربي عهد إلي‬:‫ وقال‬،‫"أن آدم علي ه الصالة والسالم قام خطيبا في أربعين ألفا من ولده و و لد ولده‬
،‫ وأحبهم إليه‬،‫" وكان شيث أجمل أوالده وأشبههم به‬.‫ "يا آدم أقلل كالمك ترجع إلى جواري‬:‫فقال‬
‫ وزوجه هللا أخته‬،‫ وأنزل عليه خمسين صحيفة‬,‫ وعلمه هللا الساعات والعبادت في كل ساعة منها‬،‫وأفضلهم‬
‫ وكان آدم وليها ورزقه هللا‬،‫ وخطب جبريل وشهدت المالئكة‬.‫التي ولدت بعده وكانت جميلة كأمها حواء‬
".‫ وعمر تسع مئاة وإثني عشرة سنة‬،‫أوالدا في حياة أبيه‬
"Inna Aadama Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu qaama khadhiiban fii arbaciina alfan
min waladihi wa walada waladihi, wa qaala: "Inna Rabbii cahida ilayya fa qaala: "Yaa
Aadamu aqlil kalaamaka tarjicu ilaa jawaarii". Wa kaana Shiithu ajmala awlaadihi wa
ashbahahum bihi, wa axabbahum ilayhi, wa afdalahum, wa callamahu Allaahu Al
Ssaacaata wa Al Cibaadata fii kulli saacatin minhaa, wa anzala calayhi khamsiina
saxiifatin, wa zawwajahu Allaahu ukhtahu allatii waladat bacdahu wa kaanat jamiilatan
ka ummahaa Xawaa'a. Wa khadhaba Jibriilu wa shahidat Al Malaa'ikatu, wa kaana
136
Aadamu waliyyahaa wa razaqahu Allaahu awlaadan fii xayaata abiihi, wa cammara tisca
mi’atin wa ithnay casharata sanatin. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aadan\‫آدم‬, Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu, ayaa wuxuu hor istaagay afartan kun oo ah
caruurtiisa uu isagu dhalay iyo caruurtay caruurtiisu dhaleen, wuuna u khudhbeeyey, wuxuuna
yiri:
"Ilaahay waa ila dardaarmay wuxuuna yiri:
"Aadanow‫ آدم‬hadalkaaga yaree markaasaad darisnimadeyda usoo noqoneysaaye".
Shiith-na\‫ شيث‬wuxuu ahaa kan dhashiisa ugu qurxoon, isagana ugu ekaansho badan, uuna ugu
jecel yahay, uguna deeq badan. Ilaahay wuxuu Shiith‫ شيث‬baray saacadaha maalinta iyo
habeenka iyo cibaadeysiga mid walba oo saacadahaas ka midka ah, wuxuuna kusoo dejiyay
konton saxiifo, waa waraaqee. Ilaahay ayaa wuxuu u guuriyay walaashiisa isaga dabadiisa
dhalatay, ahaydna gabar qurxoon, sida ay hooyadeed Xaawo\‫ حواء‬u qurxooneyd oo kale. Waxaa
gabadha u doonay Jibriil\‫ جبريل‬oo khudbadna jeediyay, markhaatina waxaa ka ahayd Malaa'igta,
waligeeduna wuxuu ahaa aabeheed Aadan‫آدم‬. Ilaahay wuxuu Shiith‫ شيث‬gabadhaas ka siiyay
ubad intuu isaga aabihiis wali nolol ku sugnaa.
Shiith\‫ شيث‬wuxuu noolaa oo uu cumrigiisu gaaray sagaal boqol iyo laba iyo toban sano".
Waxaa kaloo la yiri Sagaal boqol iyo labaatan sano, wuxuuna dhintay markay soo degidda
Aadan‫ آدم‬kasoo wareegatay kun iyo labo iyo afartan sano.
Shiith\‫ شيث‬Waxaa lagu duugay hogga ku yaalla buurta Abuu Qubays \‫( جبل أبوفبيس‬Oo Kacbada
agteeda ku taalla, haddase qaar la jebiyay oo guriga boqorka laga kor dhisay.
Nabi Aadan‫ آدم‬Calayhissalaamu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo afartanaad waa
Nabi Aadan‫آدم‬, Calayhissalaamu, oo Shayth\‫ شيث‬waa ina Aadan\‫ آدم‬.
Aadan\‫ آدم‬wuxuu noolaa shan kun iyo shan boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markuu Jannada kasoo degay, Aadan\‫ آدم‬wuxuu kusoo degay buur la yiraahdo Buuthaa\‫ بوذا‬oo
Hindiya ku taalla, wuxuuna gacanta ku sitay ul uu geed Jannada ku yaalla kasoo goostay,
madaxana waxaa u saarnaa caleemo dhirta Jannada. Taas ayaa u sabab ah, ayaa la yiri, inuu
arliga Hindiya u cagaaran yahay oo ay barwaaqo tahay, ayna uga baxaan dhir badan oo udgoon,
isagoo Nabi Aadan\‫ آدم‬laftiisu Calayhissalaamu uu udgoonaa.
Buurtaas waa Buurta adduunka ugu dheer oo la yiraahdo maanta Everest, kuna taalla maanta
dalka la yiraahdo Nepal, oo waa hore malaha dalka Hindiga uga tirsanaan jirtay.
137
Aadam\‫ آدم‬macnihiisu waa midab waxaana weeye midabka dhoobada leeyahay ee maarriin, oo
kaasaa Aadam la yiraahdaa. Isagana dhoobaa laga sameeyey.
Ilamaha Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫حواء‬
Markuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Xaawo\‫ حواء‬abuuray inay Aadan‫ آدم‬ku degto, Aadanna‫ آدم‬uu
ayada ku xasilo, boqol sano ama boqol iyo labaatan sano, siduu labadaas taariikhoodba uu u
wariyay Taariikhu Al Khamiisi\‫تاريخ الخميس‬, kaddib markii arligaan loo soo dejiyay,
barakooyinkii Aadan‫ آدم‬ayaa ku hooray Xaawo\‫حواء‬, waxayna sanooyinkaas fiican -oo isagu
wuxuu noolaa kun sano: marka ka goo intuu Jannada dhexdeeda ku jiray iyo boqolkaan ama
boqol iyo labaatankaan sano oo soo degiddisa ka dambeysey, markaasaa waxaa kuu soo baxaya
sanooyinkaan fiican oo uu adduunkaan ku sugnaa-, waxayna u dhashay afartan cunug oo ay
labaatan caloolood ku qaaday, ayagoo mataano ahaa.
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu yiri:
"Waxaa ugu horreeyey caruurtiisa Qaabiil\‫ قابيل‬iyo mataantiisa oo magaceedu ahaa
Iqliimiyyan\‫اقليميا‬.
Ibnu lsxaaqna\‫ إبن إسحاق‬wuxuu ehelu kitaabka kasoo guuriyay inay Qaabiil\‫ قابيل‬iyo Iqliimiyyan
\‫ اقليميا‬ay Jannada dhexdeeda ku dhasheen iyo inay dhashooda ugu dambeeyeen Cabdu Al
Mughiithu\‫ عبد المغيث‬iyo mataantiisa Aamatu Al Ghaythu\‫أمة الغيث‬." Intaas waxaa ku eg warka Al
Bayhaqii\‫البيهقي‬.
Kitaabka Al Nafsii\‫ النفسي‬wuxuu yiri:
"Waxaa ugu horreeyey dhashooda Al Xaarithu\‫الحارث‬, wiilkooda Shayth-na\‫ شيث‬wuxuu dhashay
keligiis mataan la'aan", oo uu Al Mughlaadhay\‫ المغالطي‬yiri waa Shaath\‫ شاث‬oo macneheedu
yabay Hibada ama Siinta Ilaahay.
Al Suhaylii-na\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"afka saryaaniga waa Shaath\‫شاث‬, afka cibrigana Shayth\‫شيث‬."
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen waa Hibbatu Allaahi\‫هبة هللا‬, oo ah Hibada
Ilaahay, ayagoo Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬wiilkaas lagu rizqiyay oo la siiyay shan sano kaddib
Haabiil\‫هابيل‬, waxayna dhashay isagoo u eg oo leh ekaanshaha Haabiil‫ هابيل‬oo uusan meelna uga
duwaneyn.
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhashay afartan sano Haabiil‫ هابيل‬dhimashadiisa kaddib. Intaasoo
idil wax ka duwanna waa la sheegay. Waxaa kaloo la yiri: keligiis ma dhalane balse wuxuu lahaa
gabar mataantiisa ah, siduu Al Khamiis\‫ الخميس‬u wariyay.
Kitaabka Al Baxru Al Nasfii\‫ البحر النسفي‬wuxuu dhigay inuu caruurtooda ugu horreeyey Al
Xaarithu\‫ الحارث‬oo aan gabar mataan ah lahayn, waxaana ku xigay Qaabiil\‫ قابيل‬iyo mataantiisa,
kaddibna Haabiil‫ هابيل‬iyo mataantiisa, kaddibna Asawwatu\‫ أسوت‬iyo walaashiis, kaddibna
138
Shiith\‫ شيث‬keligiis, dabadiisna gabar keligeed calool ka dhalatay oo aan wiil mataan ah lahayn,
taasoo uu Aadan‫ آدم‬Shiith\‫ شيث‬u guuriyay. Sidaas ayayna u dhalanayeen ilaa ay labaatan uur
afartan cunug ku dhashay, siduu Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay.
Wahab bin Munabbih\‫ وهب بن منيه‬wuxuu yiri:
"waxay ahaayeen boqol iyo labaatan caloolood."
Waxaa kaloo la yiri shan boqol oo caloolood oo ay kun cunug kaamil ku noqdeen. Intaasuu ku
egyahay warka kitaabka Al Baxru al Nasfii\‫البحر النسفي‬.
Shiith\‫ شيث‬wuxuu keligiis u dhashay karaamayn uu Ilaahay ku karaameynayo midku
Nabinnimada u doortay, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Shiith
\‫ شيث‬ku abtirsada. Wajiga Shiith\‫ شيث‬waxaa ka iftiiinayey nutirka Nabigeenna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, markaasey Malaa'igtu Aadan\‫ آدم‬u timid oo ay ugu bishaareysey. Waa intaas
warkiisu.
Ilmaha Taym bin Murrah\‫تيم بن مرة‬
Taym bin Murrah\‫ تيم بن مرة‬wuxuu dhalay:
(Kow) Sacd bin Taym\‫سعد بن تيم‬,
(Laba) Al Axabba bin Taym\‫األحب بن تيم‬, hooyadoodna waa Al Dh-dhuwaalatu bintu Maalik bin
Xisl ibnu Caamir bin Lu'ayy\‫الطوالة بنت مالك بن حسل إبن عامر بتن لؤي‬. Ciribta Taym\ ‫ تيم‬, waxay ku
jirtaa oo tarmay dhasha Sacd bin Taym\‫سعد بن تيم‬.
Ilmaha Sacd bin Taym\‫سعد بن تيم‬
Sacd bin Taym\‫ سعد بن تيم‬wuxuu dhalay:
(Kow) Kacba bin Sacd\‫ كعب بن سعد‬iyo:
(Laba) Xaarithah bin Sacd\‫حارث بن سعد‬, hooyadoodna waa Nucmu bintu Thaclabah bin Waa'ilah
bin Camr bin Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\‫نعم بنت ثعلبة بن وائلة بن عمرو بن شيبان بن محارب بن فهر‬,
ayada hooyadeedna waa Aaminah bintu Al Xaarith bin Munqath bin Camr bin Maciis bin
Caamir bin Lu'ayy bin Fihr\‫ آمنة بنت الحارث بن منقذ بن عمرو بن معيس بن عامر بن لؤي بن فهر‬, ayada
hooyadeedna waa Maawiyyah bintu Sacd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb ‫ماوية بنت سعد‬
\‫بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب‬.
Ilmaha Kacb bin Sacd\‫كعب بن سعد‬
Kacb bin Sacd\‫ كعب بن سعد‬wuxuu dhalay:
(Kow) Camr bin Kacb\‫عمروبن كعب‬, ayagaana ah madaxda reer Banii Taym \‫بني تيم‬, uuna Abuu
Bakr Al Ssiddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬ku abtirsado.
139
Hooyadiisna waa Tamlik bintu Taym bin Ghaalib\‫تملك بنت تيم بن غالب‬, siduu u sheegay adeerkay
Muscab ibnu Cabdu Allaahi\‫مصعب إبن عبد هللا‬.
Ibraahiim bin Muusaa bin Sudayqna\‫ إبراهيم بن موسى بن صديق‬wuxuu yiri hooyadiis waa Qaylah
bintu Xuthaafah bin Jumax\‫قيلة بنت حذافة بن جمح‬.
(Laba) Cabda Manaaf bin Kacb\‫ عبد مناف بن كعب‬ahna ninka la yiraahdo "Al Mushrifiyyu \‫"المشرفي‬
iyo:
(Saddex) Caamir bin Kacb\‫عامر بن كعب‬. Labadaanna hooyadood waa Laylaa bintu Caamir bin Al
Xaarith bin Ghubshaan bin Afsaa\‫ ليلى بنت عامر بن الحارث بن غبشان بن أصفا‬oo Khuzaacah\‫ خزاعة‬u
dhalatay.
Ilamaha Camr bin Kacb\‫عمروبن كعب‬
Camr bin Kacb\‫ عمروبن كعب‬wuxuu dhalay:
(Kow) Caamir bin Camr\‫عامر بن عمرو‬, hooyadiisna waa Aaminah bintu Wahb bin Thaclabah bin
Waa'ilah bin Camr bin Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr ‫آمنة بنت وهب بن ثعلبة بن وائلة بن عمرو بن‬
\‫شيبان بن محارب بن فهر‬.
(Laba) Cuthmaan bin Camr\‫عثمان بن عمرو‬, ahna ninka la yiraahdo "Shaaribu Al Th-thahabi ‫شارب‬
\‫ "الذهب‬oo ah awoowaha Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin Cuthmaan bin Camr bin Kacb ‫طلحة بن‬
\‫ عبيد هللا بن عثمان بن عمرو بن كعب‬oo tobanka jannada loogu bishaareeyey ka mid ah. (Saddex)
Judcaana bin Camr\‫جدعان بن عمرو‬. Labadaanna hooyadood waa Al Ssawdaa'u bintu Zuhrah bin
Kilaab\‫السوداء بنت زهرة بن كالب‬.
Al Zzubayru ibnu Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, oo aan abtirsigaan kore kasoo qaadannay, wuxuu yiri:
"waxaa noo warramay Al Zzubayru\‫ الزبير‬oo yiri: waxaa noo warramay Yaxyaa bin Muxammad
\‫ يحيى بن محمد‬oo yiri: waxaa ii warramay Cabdu Al Caziizi bin Abii Thaabit\‫ عبد العزيز بن ثابت‬oo ka
wariyay adeerkiis oo yiri:
"Markay dhalatay Al Ssawdaa'u bintu Zuhrah bin Kilaab\‫ السوداء بنت زهرة بن كالب‬wuxuu aabeheed
u dhiibay nin ayadoo nool soo duuga (siday dadka qaarkiis yeeli jireen zamankaas jaahiliyada).
Markaasuu ninkaas caruurta nolosha ku duuga soo qaaday oo guriga kala soo baxay, oo markuu
xabaalaha Al Xajuun\‫ الحجون‬la yimid, ahna kuwa maanta loo yaqaanno Abuu Dulaamah\‫أبو دالمة‬
(maantana waa qubuuraha Al Xajuun\‫ مقبرة الحجون‬oo aan Kacbada ka fogayn) god ayuu u qoday.
Markaasaa markuu godka dhex dhigay buurta dusheeda mid qayliya u qayliyay oo ku yiri:
"midkaagaan cunugta duugayow, Rabbiga faras horseed ah, iyo cunno waasac ah, sanadka aan
dhaqdhaqaaqa lahayn inay ka yimaadaan cunugta la duugayo."
Markaasuu madaxiisa kor u qaaday oo uu axadna arki waayay. Markaasuu u laabtay hawshuu
hayay oo ahayd inuu cunugta duugo. Markaasuu mar kale u qayliyay oo yiri:
140
"midkaagaan cunugta duugayow ka tag meesha hana duugin ee arliga dushiisa u daa, ayadoo leh
cilmi u leh dadka."
Markaasuu cunugta aabeheed usoo celiyay, uuna khabarka waxa dhacay u sheegay.
Markaasuu wuxuu yiri:
"hadaba iska daa, oo waxay leedahay mustqbal wayne."
Markaasay cimri dheer gaartay. Markaasay waxay oran jirtay:
"Reer Banii Zuhrow\‫( بني زهرة‬waana reerka Quraysheed\‫ قريش‬ee ay ka dhalatay Aaminah bintu
Wahab\‫أمنة بنت وهب‬, hooyada dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Allaha raalli ka noqdee) waxaa idinku jira gabar nathiirad \‫ نذيرة‬ah ama hooyada nin nathiir\‫نذير‬
ah, marka haweenkiinna ii soo bandhiga."
Markaasaa loo soo bandhigayay ilaa ay loo keenay Al Sh-shifaa'u\‫ الشفاء‬oo ah hooyada dhashay
Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\‫عبد الرحمن بن عوف‬. Markaasay waxay ku tiri:
"adiga ma aha, waadse dhali doontaa."
Markaasay waxay dhashay Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬. Markaasaa
waxaa loo keenay bintu Cabdi bin Al Xaarith\‫بنت عبد بن الحارث‬, hooyada dhashay Cabdu Allaahi
bin Mascuud\‫عبد هللا بن مسعود‬, markaasay waxay tiri:
"adiga ma ah, waadse dhali doontaa."
Markaasay waxay dhashay Cabdu Allaahi bin Mascuud\‫ عبد هللا بن مسعود‬.
Waxaa loo keenay Haalah bintu Uhayb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫هالة بنت أهيب بن عبد مناف بن‬
\‫ زهرة‬markaasay waxay ku tiri:
"adiga ma ah, waadse dhalaysaa."
Markaasay waxay dhashay Xamzah\‫ حمزة‬iyo Safiyyah\‫ صفية‬iyo Al Muqawwamu\‫ المقوم‬ilmo
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬.
Waxaa loo soo bandhigay Aaminah bintu Wahab bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫آمنة بنت وهب بن‬
\‫عبد مناف بن زهرة‬, markaasay waxay tiri:
"middaan ayaa nathiirad\‫ نذيرة‬ah ama nathiir\‫ نذير‬dhali doonta."
Markaasay waxay dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Ilmaha Caamir bin Camr\‫عامر بن عمرو‬
Caamir bin Camr\‫ عامر بن عمرو‬wuxuu dhalay Abaa Quxaafah\‫أبا قحافة‬, oo magaciisu yahay
Cuthmaan\‫عثمان‬. Hooyadiisna waa Qaylah bintu Athaat bin Riyaax bin Cabdu Allaahi bin
Quradh bin Razaax bin Cadiyy bin Kacb\‫قيلة بنت أذات بن رياح بن عبد هللا بن قرط بن رزاح بن عدي بن كعب‬.
141
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫ أبوبكر الصديق‬aabihiis Cuthmaan bin Caamir Abuu Quxaafah ‫عثمان بن‬
\‫عامر أبوقحافة‬
Ibnu Xajar Al Qasdhalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu Xadiithkiisa (5467) Al Isaabah fii Macrifati
Al Ssaxaabah\‫ اإلصابة في معرفة الصحابة‬mujalladka toddobaad bogga toddoba iyo sagaashan ku yiri:
“Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah Al Qurashiyyi Al
Taymiyyi\‫عثمان بن عامر بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة القرشي التيمي‬, Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬,
Abuu Bakr Al Ssiddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬aabaha dhalay, hooyadiis waa Aaminah bintu Cabdi Al
Cuzzaa Al Cadawiyah\‫ – آمنة بنت عبد العزى العدوية‬Cadiyyu Quraysh\‫ – عدي قريش‬waxaa kaloona la
yiri inuu magaceedu yahay Qaylah\‫قيلة‬.
Al Faakihii\‫ الفاكهي‬wuxuu yiri:
“Waxaa noo warramay ibnu Abii Cumar\‫ إبن أبي عمر‬oo yiri: waxaa noo warramay Sufyaan\‫سفيان‬
oo ka wariyay Xamzah Al Th-thumaaliyyi\‫ حمزة الثمالي‬oo yiri: Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu yiri:
“Markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hogga aaday –
waana Ghaaru Thawr\‫ غار ثور‬habeenka ugu horraysay ee Hijrada\‫ الهجرة‬isagoo uu la socdo Abuu
Bakr Al Ssiddiiq‫ – أبوبكر الصديق‬ayaan baxay anigoo wardoon ah waxna fiirinaya oo is leh: ma
jiraa axad warkiisa i siiya? Markaasaan waxaan imid daarta Abuu Bakr‫أبوبكر‬, halkaasoo aan ka
helay Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬, wuuna ii soo baxay isagoo gacanta ku sita bur ama garruun.
Markaasuu markuu i arkay uu xaggayga usoo socod boobay oo soo rucleeyey, isagoo leh:
".‫"هذا من الصبأة الذين أفسدوا علي إبني‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Kanu wuxuu ka mid yahay kuwaa diinta ka leexday oo wiilkayga iga fasaadiyay.”
Islaamiddiisu waxay dib u dhacday ilaa Maalinta Furashada Makkah \‫فتح مكة‬, oo ibnu Isxaaq ‫إبن‬
\‫ إسحاق‬wuxuu ku wariyay "Al Maghaazii\‫”المغازي‬, ugana wariyay silsilad saxiix ah Asmaa’ bintu
Abii Bakr\‫أسماء بنت أبي بكر‬, oo tiri:
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa allaahu Calayhi Wasallam, Thii Dhuwaa \‫ ذي طوى‬istaagay
ayuu Abuu Quxaafah\‫ أبو قحافة‬wuxuu gabadhiisa oo kuwa caruurtiisa ugu yar yar ka mid ah ku
yiri:
142
"Maandhay waxaad i saartaa buurta Abuu Qubays\‫"أبوقبيس‬, ayadoo uu indho beelay. Markaasay
dul saartay, uuna ku yiri:
"Maandhay maxaad u jeeddaa?"
Waxay tiri:
"Waxaan u jeedaa madow kulansan."
Wuxuu yiri:
"Kuwaasu waa fardooleyda."
Waxay tiri:
"Waxaan u jeedaa nin madowga hor socda, siina socda, soona socda."
Wuxuu yiri:
"Maandhay, kaasu waa kaaliyaha taliyaha oo ciidanka amarka u keenaya."
Kaddibna waxay tiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬madawgii wuu kala tegay oo faafay."
Wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬fardooleyda ayaa lasoo diray, ee gurigeyga iila degdeg."
Markaasay kasoo dejisay buurta oo ay fardooleyduna soo gaareen ka hor intuusan gurigiisa
gaarin. Gabadhana waxaa luqunta ugu xiran kuul qalin ah. Markaasaa waxaa la kulmay nin oo
qoorteeda ka goostay. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Makkah\‫ مكة‬soo galay, uuna Masjidka galay ayuu Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬aabihiis u keenay isagoo
hoggaaminaya.
Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arkay wuxuu yiri:
"‫"هال تركت الشيخ في بيته حتى أكون أنا آتيه فيه؟‬
"Hallaa tarakta al shaykha fii baytihi xattaa akuuna anaa aatiihi fiihi?"
oo macnihiisu yahay:
"Maxaad odaga gurigiisa ugu dayn weyday si aan anigu ugu tago?"
Abuu Bakr‫ أبوبكر‬wuxuu yiri:
".‫ هو أحق أن يمشي إليك من أن تمشي إليه أنت‬،‫"يا رسول هللا‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagaa kaaga xaq badan inuu kuu soo
lugeeyo intaad adigu isaga u lugayn lahayd!"
143
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hortiisa fariisiyay. Markaasuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa shariifka ah laabta ka mariyay,
kaddibna yiri:
".‫"أسلم‬
"Aslim!" oo ah: "Islaan." Markaasuu islaamay.
Abuu Quxaafah\‫ أبوقحافة‬madaxiisu cirruu la caddaa, sida geedka la yiraahdo Thagaamah \‫ثغامة‬,
markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"غيروا هذا من شعره‬
"Ghayyaruu haathaa min shacrihi",
oo macnihiisu yahay:
"Midabka timaha midkaan beddela.”
Kaddib Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬wuu istaagay isagoo ku dheggan gacanta walaashiis,wuxuuna yiri:
".‫"أنشد هللا و األسالم طوق أختي‬
"Waxaan idinku dhaariyay Ilaahay iyo islaamka ee kuusha walaashay soo celiya."
Markaasuusan axadna u jawaabin. Markaasuu wuxuu yiri:
".‫ إن األمانة في الناس اليوم لقليل‬،‫ احتسبي طوقك‬،‫"أي أخية‬
"Walaalay, ajar ugu xisaabtan kuushaada, oo maanta ammaanadu dadka dhexdiisa way ku
yartahay.”
Waa intaas warka ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu wariyay, kuna wariyay dariiqa Abii Al Zubayr\‫ أبي الزبير‬oo ka wariyay Jaabir
\‫ جابر‬oo yiri:
“Waxaa la keenay Abii Quxaafah\‫ أبي قحافة‬Caamu Al Fatxi\‫ عام الفتح‬ayadoo ay timaha madaxiisa
iyo garkiisu la mid yihiin Al Th-thaghaamati\‫الثغامة‬, markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:
".‫"غيروا هذا بشيئ وجنبوه السواد‬
144
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Kan wax ku beddela , madowgana ka fogeeya oo madow ha ku midabaynina.”
Axmadna\‫ أحمد‬wuxuu ku wariyay dariiqa Hishaam\‫ هشام‬oo ka wariyay Muxammad bin Siiriin
\‫ محمد بن سيرين‬oo ka wariyay Anas\‫أنس‬, in isagaas la waydiiyay wuxuu Rasuulka Ilaahay Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam cirradiisa ku midabayn jiray, markaasuu wuxuu
yiri:
“Ma lahayn waxaan cirro yar ahayn, waxaase cirradooda midabeeyey Abuu Bakr \‫ أبوبكر‬iyo
Cumar\‫ عمر‬oo mariyay xinni iyo al katam\‫الكتم‬.”
Wuxuu yiri:
“Abuu Bakr‫ أبوبكر‬ayaa aabihiis Abuu Quxaafah\‫ أبوقحافة‬u keenay Rasuulka Ilaahay Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Maalinta Furashada Makkah\‫ يوم فتح مكة‬isagoo
xambaarsan oo uu markaas hortiisa dhigay.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬ku yiri:
".‫"لوأقررت الشيخ في بيته ألتيناه تكرمة ألبي بكر‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Maxaad ugu dayn wayday odaga gurigiisa si aan annagu ugu tagno karaamayn aan Abuu Bakr
‫ أبوبكر‬ku karaamaynaynno.”
Markaasuu islaamay, isagoo ay garkiisa iyo madaxiisu caddaan uga ekaadeen geedka Al Ththughaamata\‫الثغامة‬, markaasuu yiri:
".‫"غيروها وجنبوه السواد‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Beddela madawgana ka fogeeya.”
Ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬ayaa Xadiithkaan saxiix\‫ صحيح‬ka dhigay, wajigiisaan lagu wariyay.
Qataadah\‫ قتادة‬wuxuu yiri:
“Isagu wuxuu ahaa kan ugu horreeyey oo islaamka dhexdiisa cirradiisa midab la mariyo. Wuxuu
kaloo ahaa kan ugu horreeyey oo Khaliifah\‫ خليفة‬dhaxla islaamka dhexdiisa.”
Abuu Quxaafah\‫ ابوقحافة‬wuxuu dhintay sanadka afar iyo tobnaad ee Hijrada, isagoo toddoba iyo
sagaashan sano jira.”
145
Caruurta Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬
Website-ka la yiraahdo Multaqaa Al Ashraaf – Multaqaa Al Ansaab – Multaqaa Qabaa’ilu
Quraysh – Al Tacriifu bi Aali Abii Bakr Al Ssiddiiq Al Taymii Al Qurashii Radiya Allaahu
canhu ‫ملتقى األشراف – ملتقى األنساب – ملتقى قبائل قريش – التعريف بآل أبي بكر الصديق التيمي القرشي رضي هللا‬
\‫(عنه‬www.ashraaf.biz/vb/archive/index.php/t-7483.html) wuxuu yiri:
Abuu Quxaafah wuxuu dhalay:
Kow. Abuu Bakr Al Ssiddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee.
Laba. Quraybah bintu Abii Quxaafah “Cuthmaan” Al Qurashiyah Al Taymiyah ‫قريبة بنت أبي قحافة‬
\‫"عثمان" القرشية التيمية‬, walaasha la dhalatay Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫أبوبكر الصديق‬..
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬ayaa wariyay, wuxuuna ku daray inay guursatay Qays bin Sacd bin Cubaadah
\‫قيس بن سعد بن عبادة‬, waxna uma ayan dhalin.
Saddex. Ummu Caamir bintu Abii Quxaafah, Al Qurashiyah Al Taymiyah ‫أم عامر بنت أبي قحافة‬
\‫القرشية التيمية‬, walaasha la dhalatay Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫أبوبكر الصديق‬, waxaana wariyay Ibnu
Sacd\‫إبن سعد‬, wuxuuna yiri:
“Waxaa guursaday Caamir binAbii Waqqaas\‫ عامر بن أبي وقاص‬waxayna u dhashay gabadheeda
Daciifdah\‫ضعيفة‬.
Afar. Ummu Farwah bintu Abii Quxaafah “Cuthmaan” Al Qurashiyah, Al Taymiyah ‫أم فروة بنت‬
\‫أبي قحافة "عثمان" القرشية التيمية‬, walaasha la dhalatay Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫أبوبكر الصديق‬.
Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu yiri:
“hooyadeed waa Hind bintu Nufayl bin Bujayr bin Cabdi bin Qusayy ‫هند بنت نفيل بن بجير بن عبد بن‬
\‫قصي‬. Walaalkeed ayaa wuxuu u guuriyay Al Ashcath bin Qays \‫األشعث بن قيس‬, waxayna u
dhashay Muxammad\‫ محمد‬iyo Isxaaq\‫ إسحاق‬iyo labadooda ghayrkoodba. Qisada ku jirta u
guurinteedana waa can oo ay ku sugan tahay kutubbada kuwa akhbaarta wariya.
Ibnu Isxaaq bin bin Raahawayh\‫ إبن إسحاق بن راهويه‬wuxuu Musnadkiisa\‫ المسند‬uga wariyay
dariiqa Saciid bin Al Musayyib\‫ سعيد بن المسيب‬oo yiri:
“Markuu Abuu Bakr‫ أبوبكر الصديق‬dhintay waa loo booyay. Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu
Hishaam bin Al Waliid\‫ هشام بن الوليد‬ku yiri:
"...‫"قم فأخرج النساء‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“kac oo haweenka soo saar…” ha u booyaane weeye, ilaa Xadiithka dhammaadkiisa, ilaa uu ka
yiraahdo: “markaasay haweenku guryaha uga soo bexeen mid mid, ilaa ay kasoo baxday Ummu
Farwah\‫أم فروة‬.”Waa intaas warkiisu.
Waxaa kaloo la wariyay inay kaloo u dhashay laba gabdhood oo la kala yiraahdo Quraybah \‫قريبة‬
iyo Xubaabah\‫حبابة‬, siday saddexdu u wariyeen.
146
Kitaabka Al Istiicabu Fii Macrafi Al Asxaabi\‫ اإلستيعاب في معرفة األصحاب‬wuxuu wariyay oo yiri:
“Al Ashcath bin Qays Al Kindii\‫ األشعث بن قيس الكندي‬wuxuu ka mid ahaa tobanka nin oo wafdi
ahaan ugu yimid Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, isagaana
madax u ahaa…zamanka jaahiliyada wuxuu ahaa ra’iis\‫ رئيس‬ah madaxa uu tolkiis Kindah\‫كندة‬
adeeco, islaamka dhexdiisana wuxuu dhexdooda ku lahaa darajo wayn. Nabiga Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dabadiisna diintuu ka noqday, kaddibna diintuu kusoo
laabtay zamanka khilaafada Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫أبوبكر الصديق‬. Waxaana loo keenay Abuu
Bakr Al Ssiddiiq‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee isagoo qafaal ah.
Aslam mawlaha Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ أسلم مولى عمر بن الخطاب‬Allaha raalli ka noqdee
wuxuu yiri;
“Waaba sida aniguu haddeer u jeeda Al Ashcath bin Qays\‫ األشعث بن قيس‬isagoo silsilad bir ah ku
xiran oo Abaa Bakr ‫أبابكر‬la hadlaya oo leh:
“Taasaan falay oo taasaan falay” oo waxa ugu dambeeya oo aan ka maqlayna wuxuu ahaa Al
Ashcath\‫ األشعث‬oo leh:
".‫"استبقني لحربك وزوجني أختك‬
Xadithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ha i dilin oo nolol ii daa dagaalladaan kaala qayb galayayee, walaashaana ii guuri.”
Markaasuu Abuu Bakr ‫أبوبكر‬sidaas yeelay.Waa intaas warkiisu.
Qaxf‫ قحف‬waxaa la yiraahdaa lafta madaxa inteeda kore oo godan oo maskaxda daboolaysa,
waxaadna mooddaa inay tilmaamayso inuu madaxa Abuu Quxaafah\‫ أبوقحافة‬weynaa.
Wiilka Abuu Quxaafah\‫ أبوقحافة‬ee Abuu Bakr Al Ssiddiiq‫أبوبكر الصديق‬
Abuu Quxaafah\‫ أبوقحافة‬, wuxuu dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka
noqdee, hooyadiisna waa Salmaa bintu Sakhar bin Caamir bin Kacb bin Sacd bin Taym bin
Murrah\‫سلمى بنت صخر بن عامر بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة‬.
Ibnu Al Bakkaar\‫ إبن البكار‬wuxuu yiri:
"waxaa noo warramay Al Zzubayru\‫ الزبير‬oo yiri: waxaa ii warramay Muxammad bin Salaam ‫محمد‬
\‫ بن سالم‬oo yiri:
"Waxaan ibnu Da'ab\‫ دأب‬ku iri:
"Waa tee hooyada Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫"? أبوبكر الصديق‬
Wuxuu yiri:
"Ummu Al Khayri\‫ "أم الخير‬markuu magaceeda sheegay."
147
Waxaa noo warramay Al Zzubayru\‫ الزبير‬oo yiri: "waxaa ii warramay Sufyaan bin
Cuyaynah\‫ سفيان بن عيينة‬oo ka wariyay Mascar\‫ مسعر‬oo nin ka wariyay inuu maqlay Cabdu
Allaahi bin Al Zzubayru\‫ عبد هللا بن الزبير‬oo leh:
"Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬magaciisu waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan ‫عبد هللا بن‬
\‫عثمان‬."
Waxaa noo warramay Al Zzubayru\‫ الزبير‬oo yiri: "waxaa ii warramay Ismaaciilu bin Abii Uways
\‫ إسماعيل بن أبي أويس‬oo yiri: waxaa ii warramay Isxaaq bin Yaxyaa bin Dhalxah ‫إسحاق بن يحيى بن‬
\‫ طلحة‬oo ka wariyay adeerkiis Isxaaq bin Dhalxah\‫ إسحاق بن طلحة‬oo yiri:
"Waxaan usoo galay Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah\‫ أم المؤنين عائشة‬Allaha u naxariistee,
ayadoo ay markaas la joogaan Caa'ishah bintu Dhalxah\‫ عائشة بنت طلحة‬oo hooyadeed Ummu
Kulthuum bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu\‫أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق‬, oo ayaduna joogta, ku leh:
"anigaa adiga kaa khayr badan, aabahay ayaana adiga aabahaa ka khayr badan."
Wuxuu yiri:
"Markaasay hooyadeed ayada cayday oo tiri:
"Ma adigaa aniga iga khayr badan?!"
Wuxuu yiri:
"Markaasay Caa'ishah‫ عائشة‬haweenta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay tiri:
"Ma idin kala xukumaa?"
Labadooduba waxay yiraahdeen:
"haa."
Waxay tiri:
"Abuu Bakar‫ أبوبكر‬ayaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo galay,
markaasuu wuxuu ku yiri:
".‫"أنت يا أبا بكر عتيق هللا‬
"anta yaa Abaa Bakr catiiqu Allaahi",
oo macnihiisu yahay:
"adigu Abuu Bakarow‫ أبا بكر‬waxaad tahay midkuu Ilaahay (naarta ka) xoreeyey."
Maalintaas laga bilaabo ayaa loo bixiyay "Catiiq\‫"عتيق‬, oo macnihiisu yahay "midka la
xoreeyey".
Waxay tiri:
"waxaa kaloo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam usoo galay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi ‫طلحة‬
\‫بن عبيد هللا‬, markaasuu yiri:
".‫"يا طلحة أنت ممن قضى نحبه‬
148
"Yaa Dhalxah anta mimman qadaa naxbahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Adigu Dhalxow‫ طلحة‬waxaad ka mid tahay kuwa natharkooda\‫ نذر‬oofiyay (natharkuna\‫نذر‬
wuxuu ahaa inay naftooda laazimiyaan la dagaallanka dhabta ah oo xarbiga hubaysan ee gaalada
cadawga Ilaahay ilaa ay ka dhintaan. Markaasuu oofiyay, sida ku sugnaatay Maalinta Uxud ‫يوم‬
\‫)أحد‬."
Caruurta Abuu Bakr Al Siddiiqu‫أبو بكر الصديق‬
Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبو بكر الصديق‬wuxuu dhalay lix cunug, saddex wiil iyo saddex gabdhood,
oo kala ah:
(Kow) Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد هللا بن أبس بكر الصديق‬, oo shahiidnimu
lagu dilay duullaanka Dhaa'if\‫غزوة الطائف‬, ayadoo maalaintaas la dhaawacay, uuna mar dambe
dhintay, oofsashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, dabadeed. Isaguu ahaa midka
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabihiis hogga “Ghaaru Thawr\‫ ”غار ثور‬ugu imaan
jiray, una keeni jiray cunnadooda iyo warka Makkah\‫ مكة‬habennimada.
Wuxuuna dhintay khilaafada aabihiis Abuu Bakr Al Ssiddiiqu‫ أبو بكر الصديق‬waxaana lagu
duugay xabaalaha Al madiinah\‫ المدينة‬ee Al Baqiic\‫البقيع‬.
(Labo) Asmaa'u ibnatu Abii Bakrin Al Siddiiqu \‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬, oo ay Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬isku hooyo yihiin. Hooyadoodna waxaa kasoo degatay Aayadda sideedaad ee
Suuratu Al Mumtaxinah\‫سورة الممتحنة‬.
Asmaa’na waxay caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaam\‫ الزبير بن العوام‬:
(kow) Cabdu Allaahi\‫( عبد هللا‬oo Amiiru Al Mu'miniin\‫ أمير المؤمنين‬noqday boqorka Dawladda
Islaamka intaan Shaam\‫ الشام‬ahayn) iyo
(Laba) Al Munthar\‫ المنذر‬iyo
(Saddex) Curwah\‫( عروة‬oo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ee Al Madiinah\‫ المدينة‬noqday) iyo
(Afar) Caasim\‫( عاصم‬oo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq \‫عراق‬, oo
waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo
(Shan) Al Muhaajira\‫ المهاجر‬oo ayan isagana ciribi ka harin, iyo
(Lix) Khadiijah Al Kubraa\‫ خديجة الكبرى‬iyo
(Toddoba) Ummu Xasan\‫ أم حسن‬iyo
(Sideed) Caa'ishah‫ عائشة‬.
Asmaa’\‫ أسماء‬waxay ku duugantahay, sidaan kitaabkaan ku arki doonno inshaa’a Allaahu ‫إن شاء‬
\‫هللا‬, Al Xujuun\‫ الحجون‬ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Asmaa'u\‫ أسماء‬koofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayni \‫ذات النطاقين‬, ayadoo markuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay godka ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu
Allaahi bin Abii Bakr\‫ عبد هللا بن أبي بكر‬u keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan
lahaayeen oo ku jirta sufriyad.
Markaasay dhex xirkeeda, oo ah marada dhexda ugu xiran, labo u kala dillaacisay oo ay
149
sufriyada aaburkeeda ku xirtay. Sufriyadna waxaa la oran jiray weel harag laga sameeyey oo
cunnada lagu rito dhegana leh oo loogu talo galay qofka safraya, haalkaasuuna erayguba ka
yimid, oo ah safar\‫سفر‬, ama socdaal. Nidhaaqna‫ نطاق‬waa marada aya haweenku dhexda ku
xirtaan.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Asmaa'u\‫ أسماء‬hooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Al Cuzzaa bin
Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xusl bin Caamir bin Lu'ayy ‫قيلة بنت عبد العزى بن عبد أسعد بن‬
\‫نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي‬, ayadeyna kusoo degatay Aayadda. sideedaad Suuratu Al
Mumtaxinah\‫سورة الممتحنة‬.
(Saddex) Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬, oo
aabeheen ah, hoosna aan uga warbixin doonno inshaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
(Afar) Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah ibnatu Abii Bakr Al Siddiiqu ‫أم المؤمنين عائشة إبنة‬
\‫أبي بكر الصديق‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Caa'ishah
‫ عائشة‬iyo Cabdu Al Rraxmaan‫ عبد الرحمن‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Ummu Ruumaan
bintu Caamir ibnu Cuwaymir bin Cabdu Shams bin Cattaab bin Uthaynah bin Subayc bin
Duhmaan bin Al Xaarith ibnu Ghanm ibnu Maalik bin Kinaanah ‫أم رمان بنت عامر إبن عويمر بن عبد‬
\‫شمس بن عتاب بن أذينة بن سبيع بن دهمان بن الحارث إبن غنم إبن مالك بن كنانة‬.
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير أبن البكار‬wuxuu ku wariyay Xadiithkiisa kun iyo sadex boqol
iyo shan iyo toban inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فلينظر إلى أم رومان‬،‫"من أحب أن ينظر إلى إمرأة من الحور العين‬
"Man axabba an yantbura ilaa imra'atin mina Al Xuuri Al Ciini, fal yanthur ilaa
Ummi Ruumaana",
oo macneheedu yahay:
"Qofka jecel inuu arko haweeney ka mid ah Xuurul Ciinta‫ الحور العين‬ha fiiriyo Ummu Ruumaan
‫" أم رمان‬, oo ah hooyada dhashay Caa'isha bintu Abii Bakr Al Siddiiq ‫عائشة بنت أبي بكر‬
\‫الصديق‬."
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku degay qabriga Ummu Ruumaan
‫ أم رمان‬marka la duugayey.
Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo toban. Ummu Ruumaan‫ أم رمان‬magaceedu
wuxuu ahaa, siduu ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬uga wariyay Zaynab\‫زينب‬, uuna ibnu
Al Athiir\‫ إين األثير‬Jaamicu Al Usuuli\‫ جامع األصول‬ugu wariyay.
(Shan) Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫محمد بن أبي بكر الصديق‬, hooyadiisna waa
Asmaa'u bintu Cumays\‫أسماء بنت عميس‬, una dhalatay qabiilka Khathcam\‫خثعم‬.
Muxammad bin Abii Bakr‫ محمد بن أبي بكر الصديق‬waxaa xaqdarro lagu dilay isagoo
Guddoomiyaha Masar\‫ مصر‬ah, halkaas ayaana lagu duugay.
Axmad ibnu Cabdu Al Nabiyyi Al Dacbaasi oo Bakri\‫ أحمد بن عبد النبي الدعباسش البكري الصديقي‬ah
kuna nool magaalada Qinaa\‫ قنا‬ee koofurta dalka Masar\‫ مصر‬wuxuu kitaabkiisa ku dhigay oo uu
150
anigana warqad iigu soo dhigay, wuxuuna yiri:
“Masar\‫ مصر‬waxaa ku yaalla saddex meelood oo la yiraahdo inuu ku yaallo qabriga Muxammad
bin Abii Bakr‫محمد بن أبي بكر الصديق‬, saddexdoodaasna waan ku sheegay kitaabkayga, waxaanna
hubiyay ruunnimada saddexdaas meelood, waxaanna aaminsanahay inay meesha runta ahi tahay
meesha loo yaqaanno “Masjidu Zimaam\‫ ”مسجد زمام‬oo Al Qaahira\‫ القاهرة‬agteeda ku yaalla, oo
Zimaam\‫ زمام‬wuxuu ahaa khaadimka iyo mawle\‫ – خادم ومولى‬oo ah addoon uu lahaa oo uu
xoreeyey - uu lahaa Muxammad bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu‫محمد بن أبي بكر الصديق‬. Labada qabri
oo kalena middood waxay ku taalla gobolka Al Muxaafathatu Al Sharqiyah\‫المحافزة الشرقية‬...tan
kalena gobolka Al Muxaafathatu Al Baxriyah\‫ المحافظة البحرية‬koofurta Al Iskandariyah\‫اإلسكندرية‬.”
Waa intaas warkiisu.
Kitaabkiisaasna wuxuu ku dhigan abtirsiga Looboge iyo inay Shiikhaashu tahay ubadka Abuu
Bakr Al Ssiddiiq\‫ أبو بكر الصديق‬Allaha raalli ka haadee.
Dabadiisna waxaa guursaday Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee,
waxayna u dhashay Yaxyaa bin Calii bin Abii Dhaalib\‫يحيى بن علي بن أبي طالب‬.
Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬hortiis waxay gabadhu u dhaxday Jacfar bin Abii Dhaalib "Al Dhayyaaru"
\"‫ جعفر با أبي طالب "الطيار‬ayna u dhashay Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abii Dhaalib ‫عبد هللا بن‬
\‫ جعفر بن أبي طالب‬iyo Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib\‫ محمد بن جعفر بن أبي طالب‬iyo
Cawn bin Jacfar bin Abii Dhaalib\‫عون بن جعفر بن أبي طالب‬.
Muxammad bin Abii Bakr\‫ محمد بن أبي بكر‬wuxuu dhashay sanadka Xajjatu Al Wadaaci\‫حجة الوداع‬,
markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ixraamtay, waxaana kafaalo qaaday
oo koriyay Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬oo u magacaabay, kaddib, Guddoomiyaha
dalka Masar\‫مصر‬, halkaasoo lagu dilay.
(Lix) Ummu Kulthuum bin tu Abii Bakr Al Siddiiqu \‫أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق‬, hooyadeedna
waa Xabiibah bintu Khaarijah bin Zayd bin abii Zuhayr bin Maalik bin Imri’u Al Qays bin
Maalik bin Thaclabah bin Kacb bin Al Khazraj ‫حبيبة بنت خارجة بن زيد بن أبي زهير بن مالك بن امرأ القيس‬
\‫بن مالك بن ثعلبة بن كعب بن الخزرج‬, qabiilkaasoo loo yaqaanno Banii Al Agharri\‫بني األغر‬. Ummu
Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxay guursatay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\‫طلحة بن عبيد هللا‬, waxayna u
dhashay Zakariyyaa\‫ زكريا‬iyo Caa'ishah\‫عائشة‬.
Isaga dabadiisna waxay guursatay Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi bin Abii Rabiicah bin
Al Mughiirah\‫عبد الرحمن بن عبد هللا بن أبي ربيعة بن المغيرة‬, waxayna u dhashay Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo
lbraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Muusaa\‫موسى‬.
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬ayadoo caloosha hooyyadeed ku jirta ayaa Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬la
oofsaday. Intuusan dhiman ka hor ayuuna wuxuu Caa'ishah\‫ عائشة‬ku yiri:
"Waana labada wiil oo walaalahaaga ah iyo labada gabdhood oo walaalahaaga ah".
Caa'ishah‫ عائشة‬waxay ku tiri: "Asmaa'u\‫ أسماء‬waa tanoo waaba aqaannaaye waa tee
walaasheyda kale?"
Wuxuu yiri:
"Waa tan ku jirta caloosha ina Khaarijah\‫بنت خارجة‬, oo waxaa qalbigeyga lagu riday inay gabar
tahay."
151
Waxayna noqotay siduu u sheegay, waxayna dhalatay geeridsiisa kaddib. Caa'ishah ‫ عائشة‬ayaana
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬u bixisay.
Waxaa wariyay Al Zubayr bin Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol
iyo kow iyo toddobaatan.
Asxaabta kuma jiro nin ay hooyadiis iyo aabihiisba islaameen oo ay saxaabiyyiin yihiin,
siduusan ugu jirin afar fac oo rag ah oo is dhalay oo wada saxaabi ah oo aan ahayn Abuu
Bakr\‫ أبو بكر‬iyo aabihiis iyo wiilkiisa Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬iyo midkaan wiilkiisa
Muxammad Abuu Catiiq\‫ محمد أبو عتيق‬oo ah ninka Looboge dhalay.
Aabihiis iyo hooyadiisna waxay islaameen maalinta Makkah\‫ مكة‬la furtay.
Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬wuxuu ahaa kan ugu horreeyey oo Quraanka inta kasoo uruuriyay meeluhu
ku kala qornaa oo hal kitaab iyo labo garbad dhexdooda isugu keena, waana Xadiithka Al
Zubayru bin Bakkaar‫ الزبير إبن البكار‬ee kun iyo laba boqol iyo sideed iyo toddobaatan.
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu wariyay Xadiithkaan:
"Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, ayaa wuxuu doonay inuu
Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr\‫ أم كلثوم بنت أبي بكر‬guursado, markaasuu wuxuu ka doonay
Caa'ishah\‫ عائشة‬oo ku faraxday, Ummu Kulthuum-na‫ أم كلثوم‬way kahatay.
Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬waxay ka xishootay Cumar‫( عمر‬oo markaasna ah Amiiru Al
Mu'miniina\‫ أمير المؤمنين‬iyo boqorka Dawladda Islaamka).
Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬waxay u ciddirtay Camr bin Al Caas\‫عمرو بن العاص‬, oo ay warka uga
warbixisay.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Anigaa keenaya xeelad arrinkaan kaaga filan."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬u yimid oo uu ku yiri:
"Waxaa isoo gaartay inaan Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬ku hadashay, aniguna uma arko inaad
guursatid, maxaa yeelay Caa'ishah‫ عائشة‬ayaa waxay ku korisay nolol barwaaqo iyo raaxo miiran
ah. Marka haddaad ku dhaqdid sidaad adigu u nooshahay (oo adag, oo raaxo la'aan ah xagga
cunnada iyo xagga dharkaba iyo shaqada gurigaba, iwm.) iyo khuluqdaada waxaan ka baqayaa
inayan u adkaysan karin oo ayan u sabrin, oo ay taasi sabab u noqoto kala go'a adiga iyo reer
Abuu Bakr\‫أبوبكر‬.
Haddaad adiguna khuluqdeeda ku raacdid waxaad wax yeelleyneysaa diintaada."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu ku yiri:
"Hadal jid ah ayaad ku hadashay, ee xeeladdu (hadalkii iiga dhacay aan uga baxo) waa tee?"
Wuxuu yiri:
"Arrinkaan anigaa kaaga filnaanaya."
Cumar‫ عمر‬wuxuu yiri:
"Waa yahaye sidaas yeel".
Markaasuu Caa'aishah‫ عائشة‬u yimid oo uu u sheegay. Kaddibna wuxuu u noqday Cumar‫ عمر‬.
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu ku yiri:
"Ilaahay ayaan kugu dhaariyaye Caa'ishah‫ عائشة‬ma la kulantay?"
Wuxuu yiri:
152
"Allaahumma\‫ اللهم‬haa."
Markaasaa Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxaa guursaday Dhalxah bin Cubaydu Allaahi ‫طلحة بن عبيد‬
\‫هللا‬, oo isagoo qaba laga dilay.
Dabadiisna waxaa guursaday Cabdu Al Raxmaan bin Cumar bin Abii Rabiicah Al Makhzuumii
\‫عبد الرحمن بن عمر بن أبي ربيعة المخزومي‬, oo ay caruur u dhashay."
Waa intaas warka Ansaabu Al Ashraafi\‫أنساب األشراف‬.
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waa Taabiciyad\‫ تابعية‬oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dabadiis ayay dhalatay.
Qabriga Abuu Bakr Al Ssiddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee
Abuu Bakr Al Ssiddiiqu‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee wuxuu ku duugan yahay dhinaca
Saaxiibkiis Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, qolka
gabadhiisa Caa’ishah bintu Abii Bakr Al Ssiddiq\‫ عائشة بنت أبي يكر الصديق‬oo ku dhex yaalla
Masjidka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Dhanka kalena, oo dhabarkiisa ah ,oo ah dhankiisa waqooyi waxaa ku yaalla qabriga Saaxiibkiis
Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن‬
\‫ الخطاب‬Allaha raalli ka noqdee.
Qolka waxaa ka maran inta qof afaraad lagu duugi karo, waxaana lagu duugi doonaa inshaa’a
Allaahu\‫ إن شاء هللا‬Nabi Ciise ina Maryama Calayhissalaamu, markuu inta Samada kasoo dego
oo guursado oo caruur loo dhalo uu u dhimanayo sidaan annagu u dhimanayno oo kale oo
markaas inta la dhaqo, la kafno, lagu tukado halkaas lagu duugayo.
Dhisidda shabaqa cagaaran
Markuu sanadku ahaa sideed boqol toddoba iyo sideetan Hijriga ah una dhiganta kun afar boqol
laba iyo sideetan Miilaadiga ah ayuu Suldhaan Qaytabay/‫ سلطان قايتباي‬wuxuu shaqaqa cagaaran
oo Xujrada Shariifka\‫ الحجرة الشريفة‬ah xagga qiblada ka xiga oo la hor istaago marka Nabiga
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la salaamayo ka dhigay nuxaas, saddexda
jihoo kalena ka dhigay bir midabka cagaaran lagu dheehay: waxaa sidaas dhigay kitaabka “Al
Madiinah Al Munawwarah – taariikh wa macaalim\‫ ”المدينة المنورة – تاريخ ومعالم‬oo ay dawladda
Sucuudigu dhigtay.
Shabaggaas waxaa ka dambeeya dhul maran oo aan dhawr tillaabo ku qiyaasay, ayadoo haddaad
shabagga indhaha u dhoweysid aad darbiga kiswadu saarantahay arkaysid. Dhulkaas waxaa ku
xiga darbiga shan geesoodka ah oo Xujrada\‫ الحجرة‬ku wareegsan oo ay kiswadu saaran tahay,
waxaana darbigaan dhisay Cumar bin Cabdu Al Caziiz\‫ عمر بن عبد العزيز‬markuu amiirka Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ahaa waana sanadka lix iyo sideetan Hijriga ah, si aan
153
Xujrada Sharafta\‫ الحجرة الشريفة‬leh loogu dhawaafin si la mid ah sida Kacbada loodu dhawaafo oo
kale.
Markaad saddexda shabaako tan dhexe hortaagan tahay, waxaad ku beegantahay Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay saddexdoodu xagga Qiblada u jeedaan, oo ah xaggaad
adigu taagan tahay.
Haddaad tillaabi xagga midig u qaadid, waana xagga Baabu Al Baqiici‫ باب البقيع‬waxaad markaas
ku beegan tahay Abuu Bakr Al Siddiiqu/‫ أبوبكر الصديق‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka dambeeya oo xagga waqooyiga ka xiga oo madaxiisu garabka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la siman yahay.
Haddaad tillaabo labaad xagga midig usii qaadid waxaad ku beegan tahay Cumar/‫عمر‬, oo Abuu
Bakar/‫ أبوبكر الصديق‬xagga waqooyiga kasii xiga oo madixiisu ku beegan yahay garabka Abuu
Bakr‫ أبوبكر‬.
Marka waxaa adiga kusoo xiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaana ka
dambeeya Abuu Bakar‫ أبوبكر‬, kaasoo uu Cumar\‫ عمر‬kasii dambeeyo oo uu dhabarkiisa ku
beegan yahay.
kitaabka magaciisu yahay Taariikhu Macaalimi Al Madiinah Al Munawwarah Qadiiman wa
Xadiithan\‫تاريخ معالم المدينة المنورة قديما وحديثا‬, waxaa dhigay Shariifka Al Sayyid Axmad Yaasiin
Axmad Al Khayyaarii Al Madanii Al Azharii Al Xusaynii ‫الشريف السيد أحمد ياسين أحمد الخياري‬
\‫المدني األزهري الحسيني‬, oo ka mid ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
la oofsadayna toddoba iyo tobanka bisha Rajab\‫ رجب‬ee sanadka kun iyo saddex boqol iyo
sideetanka Hijriga, wuxuu Caalinka faallada ku daray iyo wixii cusbaa ee geerida dhigaha
kitaabka ka dambeysey magaciisuna yahay Al Istaath Cubaydu Allaahi Muxammad Amiin
Kurdii\‫اإلستاذ عبيد هللا محمد أمين كردي‬, oo macallin ka ah Jaamacadda Al Kulliyah Al Mutawassidhah
li icdaadi Al Mucallamiina bi Al Madiinah Al Munawwarah ‫الكلية المتوسطة إلعداد المعلمين بالمدينة‬
\‫المنورة‬, ahna Jaamacadda Macallimiinta soo saarta.
Shariif Al Khayyaarii\‫ الشريف أحمد الخياري‬wuxuu bogga sideed iyo lixdanaad ku yiri:
"Madaxa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo madaxa Abuu Bakar Al
Siddiiqu/‫ أبو بكر الصديق‬Allaha raalli ka noqdee iyo madaxa Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عمر بن‬
‫ الخطاب‬Allaha ralli ka noqdee waxay xigaan jihada qorrax u dhac ee Xaramka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam -ahna dhinaca xiga Baabu Al Ssalaamu\‫باب السالم‬-, lixdooda lugoodna
waxay xigaan jihada qorrax kasoo bax -ahna dhanka xiga Baabu Al Baqiici/‫ باب البقيع‬oo laga baxo
salaanta kaddib-, dhabarradooduna waxay xigaan jihada waqooyi -oo ah xagga guriga
Faadhimah/‫ فاطمة‬iyo Shaam\‫الشام‬.
154
Saddexdooda wajina waxay u jeedaan jihada koofureed oo ah jihada Qiblada Sharafta leh oo aad
adigu ka taagan tahay."
Meeshaas aad taagan tahay markaad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
salaameysid oo shabaakada horteeda ah waxaa ku oolli jiray oo uu ahaa guriga Ummu Al
Mu’miniina Xafsah bintu Cumar Al Khadh-dhaab ‫حفصة بنت عمر بن الخطاب أم المؤمنين رضي هللا‬
/‫ عنهما‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee.
Furidda Xujrada Shariifka ah\‫ الحجرة الشريفة‬zamankaan
Xujrada Sharafta leh‫ الحجرة الشريفة‬waxaa maanta loo furaa si ay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam usoo salaamaan boqorrada, madaxweynayaasha iyo ciddii ay dawladda sucuudigu
doontaba. Laba nin oo nasiib u heshay inay galaan oo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam soo salaamay waxay ii sheegeen inuu albaabka laga galo ku yallaa guriga Faadhimah/‫فاطمة‬.
Markaad albaabkaas ka gashidna waxaad dhex tegeysa guriga Faadhimah/‫فاطمة‬, halkaasna waxaa yaalla
miis ay kutubbo Quraan ah saran yihiin, kutubbada Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬lagu
daabaco.
Markaasaa darbiga bidix kaa qabanaya markaad gashid ee guriga Faadhimah/‫ فاطمة‬, waxaa ku yaalla
albaab u furma guriga Caa’ishah/‫ عائشة‬Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Guriga Caa’ishah‫ عائشة‬waxaa ku jira saddexda qabri, alaab kalena ma taallo. Saddexda qabrina dhulka
waxaan sidaas ahayn ayay ka kacsan yihiin, mana dhisna oo darbi iyo dhagax toona kuma dhisna. Marka
salaanta laga soo jeesto, waxaa lagu soo noqonayaa guriga Faadhimah‫ فاطمة‬Sallaa Allaahu Calayhaa Wa
Sallam, markaasaa qof walba oo soo ziyaartay waxaa la siinayaa hal kitaab Quraan ah oo ka mid ah
kutubbada saaran miiska dhex yaalla guriga Faadhimah‫ فاطمة‬. Markaasaa guriga laga baxayaa.
Masawirka hoos ku yaallana waxaad ka arkeysaa inay laba albaab ka furmaan guriga Faadhimah‫فاطمة‬,
ayna u furmaan guriga Caa’ishah/‫ عائشة‬, dhammaantood Allaha Kariimka ah raalli ha ka noqdee.
Labadaas ninba waxay la socdeen Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Allaha u naxariistee oo
Xujrada Shariifka\‫ الحجرة الشريفة‬ah loo furay si uu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam u ziyaarto oo uu salaamo.
Labada nin midkood wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, caruurtiisa qaar ka mid ah
ayaan abtigood ahay, kan kalena wuxuu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga u
fadhiya, waana aniga caruurtayda abtigood. Labadooduba hadda waa nool yihiin, Allaha u naxariistee.
Danjiruhu wuxuu ii sheegay inuu laba goor nasiib u yeeshay inuu Xujrada Sharafta leh\‫ الحجرة الشريفة‬galo.
Labadaas ninna ayagoo aan is ogayn ayay isku si iigu tilmaameen warkaas aan kor ku soo sheegay.
155
Ciddii doontana kutubbada aan soo sheegnay ha ka raadsato iyo kuwo kaleba.
Qiimaha alaabta guriga Caa'ishah\‫عائشة‬
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Al Nihaayah erayga\‫ بيت‬Caa'ishah\‫ عائشة‬uga wariyay inay tiri:
.‫"تزوجني رسول هللا صلى هللا عليه وسلم على بيت قيمته خمسون درهما"؛ أي متاع البيت‬
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu igu guursaday guri ay alaabta
taalla qiimeheedu yahay konton Dirham."
Bal guryaha maanta barbar dhig!!! Doktoor Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii ‫د\محمد إلياس عبد‬
\‫ الغني‬wuxuu kitaabkiisa Buyuutu Al Ssaxaabah xawla Al Masjidi Al Nnabawiyyi Al Sh-shariifi
‫ بيوت الصحابة حول المسجد النبوي الشريف‬bogga kow iyo labaatan iyo labo iyo labaatan ku yiri:
"Guryihiisoo idil Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam waxay ka samaysnaayeen qol iyo barsad
albaab yar leh oo Masjidka u furma. Saqafkooduna wuxuu wada ahaa laamaha geedaha timirta
oo caleenta laga gooyey oo korka looga daboolay raar laga falkiyey dhogorta xoolaha.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Daauud bin Qays\‫ داود بن قيس‬ka wariyay inuu yiri:
"Waxaan arkay Al Xujuraatu\‫ الحجرات‬oo ah guryaha oo ka sameysan laamaha geedaha timirta oo
dusha kore laga saaray raar dhogor laga falkiyey. Waxaanna u maleynayaa inuu ballaca barsadu
laga bilaabo albaabka qolka ilaa albaabka barsada uu yahay lix ama toddoba diraac (waana
qiyaas saddex mitir iyo nus), qolka dhererkiisuna yahay toban diraac (waana qiyaas toban mitir)
ballaca qolkuna yahay inta u dhexeysa sideed ilaa sagaal diraac (oo ah in ku dhow afar mitir)."
Al Xasan Al Basriyyu\‫ الحسن البصري‬wuxuu taagga uu qolku kor u dheeryahayna ka yiri:
"Waxaan geli jiray guryaha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigoo ah wiil
qaangaaray, markaasaan saqafkooda gacanteyda ku taaban jiray. Guri walbana wuxuu lahaa
Xujrad\‫ حجرة‬oo ah qol."
Qolka iyo barsada waxaa kala xijaabayay raar kor kasoo laadlaada. Afarta darbi oo Xujrada
Caa'ishah\‫عائشة‬, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilaa haddeer deggan yahay,
wuxuu ka sameysnaa afar raar oo dhogorta xoolaha oo la falkiyey laga sameeyey, oo darbi
dhagax ah maba lahayn.
Sidaas ayuuna ahaa ilaa zamanka Cumar\‫عمر رضي هللا عنه‬, kanoo afar darbi oo labin ah u yeelay.
156
Caaishah‫ عائشة‬sariirrteeduna waxay ahayd, waana sariirta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, afar udub oo dhulka lagu muday oo saan lagu taagay, lana saaray joodari
harag laga sameeyey oo caleenta geedaha timirta laga buuxiyey.
Riwaayad kalena waxay warisay inay sariirtu tahay caddiir ah oo ah afar qori oo xargo la iskula
xiray, kaddibna joodarigaas la dul saaray.
Barkintuna sidoo kale waxay ka samaysnayd harag caleen dhireed laga buuxiyey.
Albaabka Masjidka u furmana wuxuu ka samaysnaa alwaaxa geedka la yiraahdo Carcar\‫عرعر‬.
Dhulka guriga iyo barsaduna waxay ahaayeen ciid.
Maacuun sidaas ahba ma oollin.
Dhismaha Ummu Salamah\‫أم سلمة صلى هللا عليها وسلم‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan dhisan guryo waaweyn oo
dhaadheer oo qaali ah oo wax qurxoon la dhigay, oo adduunkaan wuu ka kaaftoomay iyo
quruxdiisa, wuxuuna doonayey waxa Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
‫ هللا‬agtiisa yaalla.
Al Munthirii\‫ المنذري‬wuxuu Al Targhiibu wa Al Tarhiibu\‫ الترغيب والترهيب‬Cadhiyyah ibnu Qays
\‫ عدي إبن قيس‬uga wariyay inuu yiri:
"Guryaha haweenka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ka samaysnaayeen
qoryaha geedaha timirta. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u baxay duullaan. Ummu
Salamahna\‫ أم سلمة صلى هللا عليها وسلم‬waxay lahayd maal ay ayadu leedahay, markaasey qorigii
waxay ku beddeshay labin oo ay gurigeeda ka dhistay.
Markaasuu markuu soo laabtay Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu arkay ayuu
wuxuu yiri:
"‫"ما هذا؟‬
"Maa haathaa?"
oo macnihiisu yahay:
"Kanna waa maxay?"
Waxay tiri:
"Waxaan sidaas u yeelay anigoo doonaya inaan iska celiyo indhaha dadka” -oo ayagoo dariiqa
maraya ayan gurigeyga dhexdiisa arag weeye."
157
Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
"‫ إن شر ما ذهب فيه مال المرإ المسلم البنيان‬،‫"يا أم سلمة‬
"Yaa Ummu Salamah, inna sharra maa thahaba fiihi maalu al mar'i al muslimi al
bunyaanu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ummu Salamahoy‫ يا أم سلمة‬, waxa ugu shar badan oo uu qofka muslimka ah maalkiisa geliyo
waa dhismaha."
Safarkaas uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku maqnaana waa duullaanka Duumatu Al Jandal
\‫ دومة الجندل‬-siduu Al Samhuudii\‫ السمهودي‬ugu wariyay Wafaa'u Al Wafaa\‫ وفاء الوفاء‬mujalladka
koowaad juzka labaad bogga afar boqol iyo kow iyo lixdan oo Riyaad \‫ رياض‬lagu daabacay.
Xadiithkana waxaa laga wariyay wiilka uu dhalay wiilka Ummu Salamah‫ أم سلمة‬- ee bisha
Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ee sanadka shanaad ee Hijrada, una dhiganta bisha luulyo ee sanadka
lix boqol iyo lix iyo labaatan, siduu u xisaabay Muxammad Ridaa\‫محمد رضا‬.
Guriga Caa'ishah\‫عائشة صلى هللا عليها وسلم‬
Shariifka Al Samhuudii\‫ الشريف السمهودي‬wuxuu kitaabkiisa Wafaa'u Al Wafaa\‫وفاء الوفاء‬
mujalladka labaad bogga afar boqol iyo sideed iyo konton ilaa shan iyo lixdan ku yiri:
"Ibnu Al Nnajjaar\‫ إبن النجار‬wuxuu yiri:
"Guriga Caa'ishah\‫ عائشة‬wuxuu lahaa albaab hal qalbac ah oo ka samaysan qoriga geedka la
yiraahdo Carcar\‫ عرعر‬ama geedka Saajka\‫الساج‬.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu haween ka mid haweenkiisa
guursadaba wuxuu u dhisaa guri.
Guryahaasna waa sagaal guri, una dhexeeya guriga Caa'ishah ‫ عائشة‬ilaa albaabka ku xiga Baabu
Al Nabiyyi\‫باب النبي‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Waa intaas warka ibnu Al Nnajjaar\‫إبن النجار‬.
Culummada Siiradu waxay yiraahdeen:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu guryihiisa ka dhisay inta u
dhexeysa Qiblada Masjidka iyo qorrax kasoo baxa Masjidka ilaa dhanka Masjidka ee Shaam
\‫ الشام‬xiga. Masjidka galbeedkiisana guryo kama dhisan."
Al Samhuudii\‫ الشريف السمهودي‬wuxuu kaloo yiri:
158
"Guryihiisu waxay u wada furnaayeen Masjidka."
Wuxuu kaloo yiri:
"Anas\‫ أنس‬wuxuu yiri:
"Waxay ahaayeen afar guri oo labin ka dhisan (qorraxdana lagu qallajiyey oo aan dab loo
dhoweyn) qolalkooduna ay ka sameysnaayeen qoryaha geed timireedka, iyo shan guri oo
qoryaha geed timireedka ka dhisan oo dhoobo la mariyay oo aan albaabbo lahayn, irdodhoodana
ay saaran yihiin raar dhogor laga falkiyey."
Al Samhuudii\‫ الشريف السمهودي‬wuxuu yiri:
"Saciid Al Musayyib\‫( سعيد بن المسيب‬oo taabici lagu kalsoon yahay ah) wuxuu yiri, waana marka
guryaha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la duminayey si dhulkooda Masjidka loogu
daro oo dadkii ciriiri ku noqday, uuna sidaas amar ku bixiyey Boqorka Dawladda Islaamka ee
markaas Al Waliidu ibnu Cabdu Al Malik Al Amawii\‫ الوليد إبن عبد الملك األموي‬, guryahana ka
gatay haweenka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaas warqad ugu soo dhigay
Cumar bin Cabdu Al Caziiz\‫ عمر بن عبد العزيز‬oo Guddoomiyaha Gobolka Al Madiinah\‫ المدينة‬ah:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan jeclaan lahaa inay sidooda u daayaan oo midka Al Madiinah\‫ المدينة‬ku
dhashay iyo midka meel fog uga yimidba ay arkaan intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam noloshiisa isku filleysiiyey, oo ay taasu u noqoto sabab ay dadku in yar isugu
filleysiiyaan noloshooda, kagana tagaan wax kala badsiga iyo isugu faanidda."
Markaasaa guryaha oo idil la wada dumiyay oo dhulkooda Masjidka lagu daray, intaan ka ahayn
guriga Caa'ishah\‫عائشة‬.
Guriga Caa'ishah‫ عائشة‬waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kula duugan labadiisa
saaxiib ee Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق رضي هللا عنه‬, Caa'ishah‫ عائشة‬aabeheed iyo
Abuu Xafs Amiiru Al Mu'miniina Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أبوحفص أمير المؤمنين عمر بن‬
\‫الخطاب‬.
Waxaa kaloo qolkaas lagu duugi doono markuu dhinto Nabi Ciise ‫ عيسى‬Calayhissalaamu.
159
Guriga Faadhimah\‫ فاطمة‬oo ku dheggan Guriga Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam, ahna guriga Caa’ishah\‫عائشة‬. Waxaan kasoo qaadannay Dr. M.I. C. Al Ghanii ‫عبد‬
\‫الغني‬. 1432/H/2011M.
160
Guriga Faadhimah\‫ فاطمة‬iyo Mixraabkeeda\‫ المحراب‬kuna dheggan Guriga Sharafta leh ee
aabeheed Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ahna guriga
Caa’ishah‫عائشة‬. Waxaan kasoo qaadannay Dr. M.I.C. Al Ghanii\‫عبد الغني‬. 1432H/2011M
161
Shabaakada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laga salaamo.
Xasanwali 1433H/2012M.
162
Muslimiinta oo saf ugu jirta Shabaakada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laga
salaamu. Xasanwali 1433H/2012M.
163
Qubbadda cagaaran oo guriga Caa’isha\‫ عائشة‬ka kor dhisan iyo Baabu Al Baqiic ‫باب البقيع‬, midigtana
waxaad uga jeedaa laba albaab oo kala ah Baabu Jibriil ‫ باب جبريل‬oo bidixda xiga iyo Baabu Al Nisaa’i ‫باب‬
‫ النساء‬oo geeska midg ku yaalla. Marka ugu horreysey waxaa Guriga Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam qubad ka kor dhisay suldaanka Al Mansuur Qalaawuun Al Ssalixii ‫السلطان‬
‫ المملوكي المنصور قالوون الصالحي‬ahna qubbadda kaddib loo bixiyay Qubbadda Cagaaran markuu sanadku
ahaa lix boqol sideed iyo toddobaatan 678 Hijri/1279Miilaadii. Xasanwali 1433H/2012M
164
Dhanka Qiblada/koofur ee Masjida Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Dinaca qorrax u dhac ee Masjidka dhexdiisa ahna waxaa ku duugan Cabdu Allaahi bin Cabdu Al
Mudh-dhalib bin Haashim\‫ عبد هللا بن عبد المطلب بن هاشم‬aabaha dhalay Nabi Muxammad Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo Masjidka dhanka qorrax kasoo bax iyo
qubbadda cagaaran hoosteeda ka deggan. Xasanwali 1433H/2012M.
165
Albaabka Guriga Faadhimah\‫ فاطمة‬Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Calaa Aalihaa Wa Sallam.
Xasanwali 1432H/2011M.
166
Albaabka ziyaarada looga galo: Baabu Al Ssalaam/‫ باب السالم‬Xasanwali 1433H/2012M
Cabdu Al Rraxmaanu ibnu Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Ninka ay Shiikhaal ku abtirsato waa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد الرحمن بن‬
\‫أبي بكر الصديق‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Cabdu Al Ramaan‫ عبد الرحمن‬wuxuu ahaa saxaabi, wuxuuna islaamay intuu socday heshiiska Al
Xudaybiyyah\‫الحديبية‬.
Al Zubayr ibnu Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
'''Waxaa ii warramay lbraahiim bin Xamzah\‫ إبراهيم بن حمزة‬oo ka wariyay Sufyaan bin Cuyaynah
\‫ سفيان بن عيينة‬oo ka wariyay Caliyyin bin Zayd bin Judcaan\‫ علي بن زيد جدعان‬oo yiri:
"Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu lasoo baxay rag Quraysh\‫ قريش‬ah
oo ay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen furashada Makkah \‫ فتح مكة‬ka hor."
Wuxuu yiri:
"Waxaan u malaynayaa inuu kaloo yiri inuu Mucaawiyah \‫( معاوية‬bin Abii Sufyaan\‫بن أبي سفيان‬,
oo kaddib Amiiru Al Mu'miniina\‫ أمير المؤمنين‬noqday, Allaha raalli ka noqdee) la socday".
167
Sidaas ayuu kusoo haajiray, kuna islaamay, islaannimadiisu way suubanayd oo wax xumaan ah
laguma sheegin. Wuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban oo aan weligiis been lagu jarribin.
Magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Cuzzaa\‫عبد العزى‬, markaasuu Rasuulka Ilaahy, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, u bixiyey Cabda Al Raxmaan\‫عبد الرحمن‬.
Waxaa kaloo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Kacbah\‫عبد الكعبة‬.
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬isagaa ugu da'ynaa ubadka Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬wuxuuna ahaa geesi
nishaab badan, oo fallaartau gano aan hadafkiisa la gafi jirin Koofaartiisu waa Abaa
Muxammad\‫أبا محمد‬, waxaana la yiri oo kale Abaa Cabdu Allaahi\‫أبا عبد هللا‬.
Duullaanka Badar\‫ غزوة بدر‬wuxuu la safnaa gaalada iyo Uxudba\‫أحد‬.
Markaasuu Maalinta Badar‫ غزوة بدر‬markuu xagga muslimiinata soo aado ayuu Abuu Bakr\‫أبوبكر‬
isaga iyo hooyadiisba inay halaagmaan ugu duceeyaa, markuu ka gaddoomana wuxuu ugu
duceeyaa tawbad keenid (waxaa wariyay Calii Al Dhandhaawii\‫علي الطنطاوي‬, kana wariyay
kitaabka Al Macaarif\‫المعارف‬, kuna wariyay kitaabakiisa Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬,
bogga laba boqol iyo sagaal iyo konton).
Maalinta Badar\‫ يوم بدر‬ayuu safka kasoo baxay oo uu dalbay qof dhinaca muslimiinta uga soo
baxa.
Markaasaa waxaa u kacay aabihiis Abuu Bakar‫ أبوبكر‬si uu ula dagaallamo. Markaasuu wuxuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri Abuu Bakar‫أبوبكر‬:
".‫"متعني بنفسك‬
"Matticnii bi nafsika",
oo macneheedu yahay:
"nafttada iigu raaxee, oo ha kicin".
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬ee uu dhigay Al Balaatharii\‫البالذري‬, oo la oofsaday
sanadka laba boqol iyo sagaal iyo todedobaatanka Hijarada wuxuu wariyay in markuu aabihiis
Abuu Bakar‫ أبوبكر‬usoo baxay uu Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬yiri:
"Muxammadow! Ma aabayaalkeen ayaad noo soo direysaa?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka reebay. Markaasuu Abuu
Bakar‫ أبوبكر‬wuxuu wiilkiisa ku yiri :
"War hoy! Maalkii maxaad ku fashay?"
Markaasuu wuxuu ugu jawaabay:
‫وفارسا يضرب أوخام المشيب‬
Lam yabqi illaa shakatun wa yacbuubu
Wa faarisun yadribu awkhaama al mashiibi
‫لم يبق إال شكة ويعبوب‬
168
Tixda macneheedu waxaa weeye:
Kama uusan harin waxaan hub ahayn iyo faras dheereeya
iyo fardafuule odayada culus ku dila.
Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬wuxuu ganacsi ugu noqnoqon jiray arliga Suuriya\‫سورية‬,
halkaasoo u gabar guri wayn daaqaddiisa kasoo jeedda oo qurux badan uu Dimishiq\‫ دمشق‬ku
arkay.
Markaasuu jeclaaday. Markuu wareystayna waxaa loo sheegay inay tahay gabadha boqorka
Suuriya‫سورية‬, magaceeduna yahay Laylaa bintu Al Juudiyyi bin Cadiyyi bin Camr bin Abii
Camr Al Ghassaanii\‫ ليلى بنت الجودي بن عدي بن عمرو بن أبي عمرو الغساني‬oo ka mid ahaa Boqorrada
Al Ghasaasinah\‫ الغساسنة‬ee Koofurta Shaam\‫الشام‬.
Markaasuu gabadhaas gabay u tiriyey, oo wuxuu ahaa gabayaa, wuxuuna yiri:
‫وما إلبنة الجودي ليلى وماليا‬
‫تدمن بصرى أو تحل الجوابيا‬
‫إذا الناس حجوا قابال أن توافيا‬
‫تذكر ليلى والسماوة دونها‬
‫وأنى تعاطي ذكرها حارثية؟‬
‫وأنا تالقيها؟ بلى! ولعلها‬
Tathakkar Laylaa wa Al Ssamaawatu duunahaa\wa maa li ibnati Al Juudiyyi Laylaa wa maaliyaa
Wa annaa tucaadhii thikrahaa Xaarithiyyatan?\tudamminu Busraa aw taxulla Al Jawaabiyaa
Wa annaa tulaaqiihaa? Balaa! Wa lacallahaa\ithaa al nnaasu xajjuu qaabilan an tuwaafiyaa.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
Wuxuu xusuustay Laylaa, samada ayaana ayada ka dhow\xaggee isku jirnaa aniga iyo inanta Al
Juudiyyi.
Sidee bey ku heleysaa tilmaameheeda gabar u dhalatay Al Xaarith?\waxayna ku sugan tahay oo
laazimtay Busraa ama waxay deggan tahay Al Jaabiyah.
Ma suurta galbaa inaan la kulmo? Haa! Waxaana dhici karta/in markuu dadku soo xajjiyo
sanadka soo socda ay soo raacdo.
Al Zubayru ibnu Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
"Markaasuu markuu Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬jayshkiisa u diray Shaam\‫الشام‬
(waxaana madax u ahaa Khaalid bin Al Waliid‫ )خالد بن الوليد‬wuxuu taliyaha ciidanka ku yiri:
"Haddaad Laylaa bintu Al Juudiyyi\‫ ليلى بنت الجودي‬gacanta ku dhigtid oo dagaal lagu qabsado
waxaad siisaa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬."
Markaasuu si dagaal ah gacanta ugu dhigay (oo ay sidaas addoon ku noqotay), markaasuu
wuxuu siiyey Cabdu Al Raxmaan bin Abuu Bakar‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬.
Markaasey cajab gelisay oo uu haweenkiisa kale kasoo dhowestay, ilaa heer ay Caa'ishah \‫عائشة‬
uga soo dacwoodeen. Markaasey ku canaanatay, isaguna wuxuu ku yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waaba sida anigoo miciyeheeda ka cabaya oo ka nuugaya xabbada rumaanka".
Markaasaa waxaa ayada ku dhacay cudur uu afkeedu isku dhacay (intay ilkuhu ka daateen).
Markaasuu ka fogaaday oo uu jaafeeyey. Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬uga ashtakootay.
169
Markaasey waxay Caa'ishah‫ عائشة‬walaalkeed ku tiri:
"Cabdu Al Raxmaanow‫ ! عبد الرحمن‬Laylaa\‫ ليلى‬waad jeclaatay, markaasaad xadgudubtay oo aad
ku talaxtagtay, kaddibna waad nacday oo aad xadgudubtay kuna talaxtagtay.
Marka, waa inaad ama cadaalad u sameysid ama aad ciddeeda u dirtid oo aad u saad siisid."
Markaasuu intuu maal siiyey ciddeeda u diray."
Cabdu Allaahi Al Muscab bin Cabdu Allaahi Al Muscab Al Zubayrii ‫عبد هللا بن مصعب بن عبد هللا‬
\‫المصعب الزبيري‬, oo ah Al Zubayr bin Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬adeerkiis, wuxuu kitaabkiisa "Kitaabu
Nasabu Quraysh\‫"كتاب نسب قريش‬, boggiisa laba boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inayan
haweentaasu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wax caruur
ah u dhalin, wiil iyo gabar toona.
Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ahaa, siduu ibnu Cabdu Al Barr ‫إبن‬
\‫ عبد البر‬Al Istiicaabu\‫ اإلستيعاب‬ugu wariyay, nin kaftanlow ah.
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬waa ninka uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amray,
siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬u wariyay, inuu Caa'ishah\‫ عائشة‬geeyo Al Tanciimu\‫ التنعيم‬si ay
halkaas Cumro\‫ عمرة‬uga soo xirato.
Markaasuu wuxuu geeyey oo ay kasoo xiratay barta uu maanta ku yaallo masjidka wayn oo la
yiraahdo Masjidu Caa'ishah\‫مسجد عائشة‬, oo Kacbada toddoba kiiloomitir u jira.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬usoo galay walaashiis Ummu Al
Mu'miniina Caa'ishah\‫ أم المؤمنين عائشة‬maalintuu dhintay Sacad bin Abii Waqqaas ‫سعد بن أبي‬
‫وقاص‬, markaasuu weyseystay.
Markaasey waxay ku tiri:
"Waysada kaamil ka dhig oo waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi
Wasallam, oo leh:
".‫"ويل لألعقاب من النار‬
"Waylun lil'acqaabi mina al nnaari,",
oo macneheedu yahay:
"Cirbaha ka ilaaliya naarta, oo markaad weyseysaneysaan biyaha ku dhaqa".
Cabdu Al Raxmaan ibnu Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ka qayb galay dagaallada
Ridada\‫حروب الردة‬, wuxuuna ka mid ahaa ciidanka Khaalid bin Al Waliid\‫خالد بن الوليد‬.
Duullaanka Yawmu Al Yamaamah\‫يوم اليمامة‬, wuxuuna maalintaas dilay toddoba madaxdooda ka
mid ah, wuxuuna dilay Muxakkamu Al Yamaamah ibnu Dhufayl \‫ محكم اليمامة إبن الطفيل‬oo uu
fallaar ku ganay oo ay galowga ka gashay oo dishay.
Al Zubayr\\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay adeerkey Muscab bin Cabdu Allaahi\‫ مصعب بن عبد هللا‬oo yiri:
170
"Muxakkamu al Yamaamah‫ محكم اليمامة‬maalinta beerta lagu dagaallamay Yawmu Al Xadiiqah
\‫ يوم الحديقة‬wuxuu istaagay meel dalool ah (oo ka dalooshay darbiga beerta ku wareegsanaa)
markaasuu daafacay, oo uu axad muslimiinta ka mid ihi mari waayey. Markaasuu Cabdu Al
Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬fallaar ku ganay oo uu dilay. Markasey muslimiintu
daloolkaas ka galeen. Wuxuu yiri:
“Wuxuuna ka mid ahaa kuwa nishaabta badan."
Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo labo iyo labaatan.
Amiiru Al Mu'miniina Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\‫ أمير المؤمنين معاوية بن أبي سفيان‬markay
geeridiisu soo dhowaatay ayuu wuxuu u magacaabay wiilkiisa Yaziid\‫يزيد‬, inuu isaga dabadiis
xukunka qabto, wuxuuna ku dadaalay inuu saxaabada oggolaansho uga helo oo la baayaco intuu
isaguba weli nool yahay.
Al Zubayr bin Al Bakkaar\‫ الزبير إبن بكار‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Cabdu Allaahi bin Naafic bin Thaabit\‫ عبد هللا بن نافع بن ثابت‬wuxuuna yiri:
"Marwaan\‫مروان‬, oo markaas Guddoomiyaha Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ah,
uuna Mucaawiyah\‫ معاوية‬u magacaabay, ayaa wuxuu fuulay Minbirka (Masjidka) markaasuu
wuxuu dadka ugu yeeray inay Yaziid\‫ يزيد‬baayacaan.
Markaasaa waxaa la hadlay Al Xusayn bin Calii\‫ الحسين بن علي‬iyo Cabdu Allaahi bin Al
Zubayr\‫عبد هللا بن الزبير‬, waxayna kula hadleen hadlan ayan meeshaani meesheeda ahayn.
Markaasuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wuxuu ku
yiri:
"Ma hirqaliyyah\‫ هرقلية‬ayaa? Oo markuu Boqor dhinto Boqor kale ayaa beddelaya? Wa Allaahi
\‫ وهللا‬inaanan taas ebedkeen yeeleyn."
Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo labaatan.
Hirqal\‫ هرقل‬wuxuu ahaa Boqorka Rooma. Macneheedu waxaa weeye: ma boqortooyo la iska
dhaxlo ayay noqotay Dawladdii lslaamku?
Al Zubayr\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay lbraahiim bin Muxammad bin Cabdu Al Caziiz Al Zuhriyyu ‫إبراهيم بن محمد بن‬
\‫ عبد العزيز الزهري‬oo aabihiis ka wariyay oo awoowihiis ka wariyay oo yiri:
"Mucaawiyah\‫ معاوية‬wuxuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu ‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬
\‫الصديق‬usoo diray boqol kun oo dirham markuu diiday baycada wiilkiisa Yaziid bin
Mucaawiyah\‫يزيد بن معاوية‬.
Markaasuu Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬lacagtiisa u celiyey uuna diiday inuu qaato, wuxuuna
yiri:
"Ma Diintaydaan duunyo dhaafsanayaa?"
Markaasuu xagga Makkah\‫ مكة‬u ambabaxay, intayan baycada Yaziid‫ يزيد‬dhammaan, oo uu
agteedaba, waa Makkah\‫مكة‬, ku dhintay."
Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo shan iyo labaatan. Axaadiithtaan iyo wararkaanoo
kalena waxaa wada wariyay badanka kutubbada Siirada iyo Axaadiithta iyo taariikhdaba.
171
Dhimashada iyo qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu ‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬
‫الصديق‬
Al Zubayru\‫ الزبير‬wuxuu Abii Mulaykah\‫ أبي مليكة‬ka wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬dhintay sanadka saddex iyo kontonaad ee Hijrada isagoo ku dhaartay
inuusan qofna la hadlin. Markaasay markuu dhintay ayay Caa'ishah\‫ عائشة‬waxay tiri:
".‫"يميني يمين إبن أم رمان‬
"Yamiinii yamiinu ibnu Ummi Ruumaan",
oo macneheedu yahay: "Dhaarteydu waa dhaarta ina Ummu Ruumaan‫ أم رمان‬."
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬wuxuu si kadis ah ugu dhintay, isagoo hurda, isagoo xagga
Makkah\‫ مكة‬u socda, meesha la yiraahdo Xubshiyyi \‫ الحبشي‬oo qiyaas toban mayl Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬u jirta. Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah\‫ مكة‬la
geeyey halkaas lagu duugay.” Waa intaas warkiisu.
Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬wuxuu Al Xaakim\‫ الحاكم‬ka wariyay inay markay Caa'ishah\‫عائشة‬
maqashay geerida walaalkeed ay soo safartay ayadoo xaajiyad ah, oo inta qabrigiisa dul
istaagtay ku oyday, gabayna ay ka tirisay, kaddibna ay tiri:
".‫ ولو شهدتك لم أبك عليك‬،‫"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت‬
“Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki
calayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬haddaan geeridaada goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad
ku dhimatay, haddaan markaas goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen".
Ansaabu Al Ashraafi‫أنساب األشراف‬
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi‫ أنساب األشراف‬wuxuu juzka tobnaad bogga boqol iyo laba ku yiri:
“Wuxuu ibnu abii Mulaykah\‫ أبي مليكة‬wariyay oo yiri: "Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬waxaa lagu
oofsaday bartuu ku degay."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan tuamankeenna ku qaadnay lix mayl oo aan Makkah\‫ مكة‬geyney. Markaasey markay
timid Caa'ishah‫ عائشة‬waxay tiri:
"!‫"أروني قبر أخي‬
“Aruunii qabra akhii.”
Oo macnihiisu yahay:
172
"i tusa qabriga walaalkay".
Markaasey tuseen qabrigiisa.
Markaasey ku tukatay ayna tiri:
".‫ ولو شهدتك لم أبك عليك‬،‫"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت‬
“Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki
calayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬haddaan goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad ku
dhimatay, haddaan goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen."
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu yiri:
“Wuxuuna dhintay sanadka saddex iyo kontonaad, kuna dhintay Makkah\‫ مكة‬dibaddeeda”,
(bartaasu waxay maanta ku jirtaa bartamaha Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬waxayna
Kacbada u jirtaa sideed boqol oo mitir, sidaad masawirka hoose ee google ka arki kartid) si kadis
ah.
Warimaha qaarkoodna waxay wariyeen inay Caaishah\‫ عائشة‬Xaramka soo gelisay oo halkaas
lagu duugay.
Abuu Al Yaqthaan Al Bisrii‫ أبو اليقظان البصري‬wuxuu yiri:
“Isagaa ugu horreeyey muslimiinta qof si kedis ah ku dhinta, wuxuuna ahaa gabayaa, wuxuuna
ku jihaaday Al Shaam‫ الشام‬, wuxuuna goob jog ka ahaa maalinta ratiga‫ وشهد الجمل‬isagoo Caaishah
‫ عائشة‬la socda.”
Waxaa ii warramay Hishaam bin Cammaar‫ هشام بن عمار‬oo ka wariyay Ciisaa bin Yuunus ‫عيسى بن‬
‫ يونس‬oo ka wariyay ibnu Jarayj‫ إبن جريج‬oo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬oo yiri:
“Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ku dhintay Al Xubshiyyi \‫– الحبشي‬
kanoo Makkah\‫ مكة‬u jira laba iyo toban mayl – markaasaa la qaaday oo la duugay. Markaasaa
markay Caaishah‫ عائشة‬Makkah\‫ مكة‬timid kana timid Al Madiinah\‫ المدينة‬ayay qabrigiisa timid,
waxayna tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
“Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan
yatasadacaa
Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan
macan.”
Laba tixood macnohoosu waxaa weeye:
173
Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa
heer laga yiraahdo waligood kala tegi mayaan.
Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib ku
lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale.
Hishaam Al Kalbii‫ هشام أبن الكلبي‬wuxuu yiri:
“Jathiimah waa Jathiimah Al Abrash binMaalik bin Fahm bin Ghaanim bin Daws bin Cadthaan, waana Al
Wadaax‫ وهو الوضاح‬،‫ جذيمة األبرش بن مالك بن فهم بن غانم بن دوس بن عدثان‬labadiisa saaxiibna waxay ahayeen
Maalik iyo Cuqayl labada wiil ee Faarij bin Maalik bin Kacb bin Al Qayn bin Jusu bin Shiicu Allaahi bin
Wabarah binTaghlub bin Xulwaan bin Cimraan bin Al Xaaf bin Qudaacah ‫ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك‬
‫ فالج بن‬:‫ وبعض النساب يقول‬،‫بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن قضاعة‬
.‫" انتهى‬.‫مالك‬
‫ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن‬
.‫" انتهى‬.‫ فالج بن مالك‬:‫ وبعض النساب يقول‬،‫قضاعة‬
. Kuwa nasabka ku xeel dheer qaarkoodna waxay yiraahdeen: Faalij bin Maalik‫ فالج بن مالك‬.” Waa intaas
warkiisu.
Calii Al Dhandhaawii\‫ علي الطنطاوي‬wuxuu Tahthiibu Taariikhu ibnu Casaakir\‫تهذيب تاريخ إبن عساكر‬
ka wariyay oo uu yiri:
"Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬qabrigiis waxay ka dul dhistay teendho, oo intay qof u wakiilatay
ayay ka ambabaxday.
Markaasaa waxaa soo maray Cabdu Allaahi bin Cumar\‫عبد هللا بن عمر‬, Allaha raalli ka noqdee
labadoodaba. Markaasuu wuxuu yiri:
"Yaa teendhadaan loo dhisay?"
Markaasey u sheegeen. Markaasuu wuxuu yiri:
"Wiilow, ka fuji, maxaa yeelay waxaa hoosaasinaya oo qorraxda ka celinaya camalkiisa."
Waxaa kaloo la yiri wuxuu dhintay sanadka shan iyo kontonaad ama lix iyo kontonaad, waxaase
loo badan yahay saddex iyo kontonaad. Dhasha Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد‬
\‫ الرحمن بن أبي بكر الصديق‬ayaa ugu badan ubadka Abuu Bakar Al Siddiiq\‫أبو بكر الصديق‬, oo tiradu
ayagay ku jirtaa, siduu Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬u wariyay.
Al Azraqii‫األزرقي‬
‫ما جاء في مقرة مكة وفضائلها‬
Waxa laga wariyay qubuuraha Makkah iyo sarreyntooda
Xadiithkiisa kun sagaal iyo soddon wuxuu Abuu Al Waliid Al Azraqii\‫ أبو الوليد األزرقي‬ku yiri:
“Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
yiri:
174
".‫ مقبرة أهل مكة‬،‫"نعم المقبرة هذه‬
“Nicma al maqbaratu haathihi, maqbaratu Ahli Makkah.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waa xabaalu nicmo leh, xabaalaha Ahlu Makkah‫ أهل مكة‬, dadga reer Makkah‫ مكة‬.”
Waxaa noo warramay Abaa Al Waliid‫ أبا الوليد‬wuxuuna yiri:
“Awoowahey wuxuu yiri:
“lama yaqaanno shicib\‫ شعب‬oo bar buur dhineceeda ku taalla oo ayadoo idil Kacbada si toosa ah
oo aan leexasho ku jirin u qaabilaysa, intaan ka ahayn shicibka xabaalaha, kaasoo wajigiisa oo
dhan Kacbada ku qaabilaya si toosan.”
Abuu Al Waliid Al Azraqii‫أبو الوليد األزرقي‬, oo la oofsaday sanadka Hijriga eel aba boqol iyo
konton, ahaana taariikh yaqaanka Makkah\‫ مكة‬waxaana kitaabkiisa sharxay oo xaqiijiyay Al
Ustaath Dr. Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahi bin Dih-sh\‫األستاذ د\عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش‬,
waxaana kitaabkaas oo la yiraahdo "‫ "أخبار مكة وما جاء فيها من اآلثار‬laga helaa ‫مكتبة األسدي في مكة‬
‫ المكرمة‬wuxuu Xadiithkiisa kun shan iyo afartan oo ku dhigan boggasideed boqol kow iyo soddon
ku yiri:
“Ibnu Jurayj\‫ إبن جريج‬wuxuu yiri: “ibnu Abii Mulaykah\‫ إبن أبي مليكة‬wuxuu yiri:
“Waxaan arkay Caaishah \‫ عائشة أم المؤمنين‬oo soo ziyaaratay qabriga walaalkeed Cabdu Al
Rraxmaan bin Abii Bakr\‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬, oo ku dhintay Al Xubshiyyi\‫الحبشي‬, loomana qaadin
Makkah‫( – مكة‬oo waagaas buurtaas iyo qubuuruhuba Makkah‫ مكة‬dibaddeeday ahaayeen oo ka
baxsanaayeen, maantana dhexdeeday ku jiraan: xasanwali) - Al Xubshiyyuna‫ الحبشي‬waa buur ku
taalla dhanka hoose ee Makkah‫ مكة‬ooh al bariid u jirta. Xabaalahaanna wuxuu Kathiir bin Al
Mudh-dhalib Abii Wadaacah Al Sahmiyyi\‫ كثير بن المطلب أبي وداعة السهمي‬ka yiri:
‫ من كهول أعفة وشباب‬/ ‫كم بذاك الحجون من حي صدق‬
‫ سى – إلى النخل من صفي السباب‬/‫سكنوا الجزع – جزع بيت أبي مو‬
‫ما على الدهر بعدهم من عتاب‬/‫أهل دار تتابعوا للمنايا‬
‫ما لمن ذاق منية من إياب‬/‫فارقوني وقد علمت يقينا‬
Intee ku duugan Al Xujuun‫ الحجون‬oo dad fiican ahaa\oo leh odayo iyo dhallinyaraba
Waxay degeen bartaan waadiga ka leexsaan, una dhow guriga Abii Muu\saa ilaa geedaha timirta
ee Safiyyu Al Sabaab‫صفي السباب‬
Waana dad daartaan deggan oo geeridu isaga daba timid\dabadoodna aan weligood la eedeyneyn
Way uga tageen waxaanna hubaal u ogsoonahay\in qof geeri dhedhemiyay inuusan soo
noqonayn.
175
Abuu Al Waliid‫ أبو الوليد‬wuxuu yiri:
“Reer Makkah\‫ مكة‬wuxuu maydkooda ku duugi jireen waadiga labadiisa dhinac, dhanka midig
iyo dhanka bidixba islaamka hortiis iyo islaamka intiisa horeba, kaddibna dadku wuxuu
qubuurtooda usoo raray shicibka ku yaalla dhinac bidix sababtuna ay tahay waxay kusoo arooray
fiicnaantiisa iyo inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka yiri:
"‫"نعم الشعب ونعم المقبرة‬
“Nicma al shicbu wa nicma al maqbaratu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waa shicib nicmo leh iyo qubuuro nicmo leh.”
Waxaana maanta ku yaalla halkaas qubuuraha reer Makkah\‫ مكة‬intaan ka ahayn Reerka Aali
Cabdu Allaahi bin Khaalid bin Usayd fk Abii Al Cays bin Umayyah bin Cabdu Shams ‫آل عبد هللا‬
‫بن ين خالد بن أسيد بن أبي العيص بن أمية بن عبد شمس‬, iyo Aalu Sufyaan bin Cabdu Al Asad bin Hilaal
bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum‫ وآل سفيان بن عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬,
kuwaasoo maydkooda ku xabaala xabaasha ku taalla dhanka kore ee beerta Khurmaan ‫المقبرة العليا‬
.‫بحائط خرمان‬.” Waa intaas warkiisu.
Al Faakihii‫الفاكهي‬
Al Faakihii, oo ah Al Imaam Abii Cabdu Allaahi Muxammad bin Isxaaq ibni Al Cabbaas Al
Faakihii Al Makkii‫ اإلمام أبي عبد هللا محمد بن أسحاق إبن العباس الفاكهي المكي‬, oo ka mid ah culummada
qarniga saddexaad, kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa “Akhbaaru Makkah fii Qadiimi Al Dahri
wa Xadiithihi‫” أخبار مكة في قديم الدهر وحديثه‬, waxaana hubiyay oo sharxay Dr. Cabdu Al Malik bin
Dahiish ‫ عبد الملك بن‬.‫ عبد هللا بن دهيش“ دراسة وتحقيق د‬wuxuu juzka afaraad bogga laba iyo konton ku
yri:
“2371. Waxaa noo warramay Maymuun bin Al Xakam Al Sancaanii ‫ ميمون بن الحكم الصنعاني‬oo yiri
oo ka wariyay Muxammad bin Jushcum‫ محمد بن جشعم‬oo ka wariyayibnu Jurayj‫ إبن جريج‬oo ka
wariyay ibnu Abii
Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
".‫ فإن لكم فيهم عبرة‬،‫ وصلوا‬،‫"ائتوا موتاكم فسلموا عليهم‬
“I’ituu amwaatakum fa sallimuu calayhim, wa salluu, fa inna lakum fiihim cibratun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
176
“Dadka idinka dhintay (oo qubuuraha ku jira) u taga oo salaama, una duceeya, ayagaasna waxaa
adinka idiinku sugan cibro qaadasho.”
Ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬wuxuu yiri:
“Aniguna waxaan arkay Caa’ishah‫ عائشة‬, haweenta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam,
ayadana Allaha raalli ka noqdee, oo ku ziyaaranaysa qabriga walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin
Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee,Al Xubshiyyu ‫بالحبشي‬
agtiisa, meel hal bariid u jirta, waxaana lagu duugay oo qabrigiisu ku yaalla Makkah‫ مكة‬.” Waa
intaas warkiisu.
Al Faakihii‫ الفاكهي‬wuxuu mujalladka shanaad bogga lix iyo sagaashan ku yiri:
"2903. Waxaa noo warramay Muxammad bin Saalix Abuu Bakr‫ محمد بن صالح أبو بكر‬oo ka
wariyay Abuu Nucaym‫ أبو نعيم‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Camr bin Calqamah Al Kinaanii
‫ عبد هللا بن عمرو بن علقمة الكناني‬oo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬oo yiri:
“Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, wuxuu ku dhintay Al
Xubshiyyu\‫ الحبشي‬agtissa, ahna buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah‫ مكة‬. Markaasaa waxaa
timid Caaishah‫ عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, markaasay waxay tiri:
".‫"دلوني على قبر أخي‬
“Dalluunii calaa qabra akhii.”
Oo macnihiisu yahay:
“Ii tilmaama oo i tusa qabriga walaalkay.”
Markaasay (Markay dul tagtay) u ducaysay, waxayna tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
".‫ ولو حضرتك دفنتك حيث مت‬،‫لو شهدتك ما بكيت عليك‬
Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan yatasadacaa
Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan macan.
Law shahidtuka maa bakaytu calayka, wa law xadartuka dafantuka xaythu mitta.
Labada tixood iyo hadalka ka dambeeya macnohoodu waxaa weeye:
Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa
heer laga yiraahdo waligood kala tegi mayaan.
Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib
ku lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale.
177
Haddaan goob jog ahaan lahaa markay dhimanaysay kuuma booyeen, haddaan goob jog ahaan
lahaana waxaan kugu duugi lahaa bartaad ku dhimatay.
‫العقد الثمين في تاريخ البلد األمين‬
Kitaabkaan magaciisu yahay Al Caqdu Al Thamiinu fii Taariikhi Al Baladi Amiini ‫العقد الثمين في‬
‫ تاريخ البلد األمين‬waxaa dhigay Hg Shaykh Taqiyu Al Ddiini Muxammad bin Axmad Al Xasanii Al
Faasii Al Makkii ‫( الشيخ تقي الدين محمد بن أحمد الحسني الفاسي المكي‬775-832 Hijrii), wuxuuna
mujalladka shanaad bogga saddex boqol afar iyo toddobaatan ku yiri:
“374. Waxaana u yeeray (waana Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee‫ ) عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬Mucaawiyah, Allaha raalli
ka noqdee, isagoo minbarka ku fadhiya, wuxuuna dadka ugu yeeray inuu baayaco oo uu
boqornimada wiilkiisa Yaziid‫ يزيد‬oggolaado. Markaasuu si adag ula hadlay wuxuuna yiri:
"‫ كان كسرى مكانه؟ ال نفعل وهللا أبدا‬،‫"إذا مات كسرى‬
“Ithaa maata Kisraa, kaana Kisraa makaanahu? Laa nafcalu wa Allaahi Abadan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Markuu Kisraa dhinto (Kisraa waa boqorka Iiraan) ma Kisraa kale ayaa meeshiisa gelaya oo
beddelaya? Taas wa Allaahi\‫ وهللا‬weligeen yeeli maynno.”
Markaasuu Mucaawiyah\‫ معاوية‬wuxuu u diray boqol kun oo dirham, markaasuu (Cabdu Al
Rraxmaan\‫ )عبد الرحمن‬intuu lacagtaas diiday oo uu dib ugu celiyay ayuu wuxuu yiri:
"‫"أبيع ديني بدنياي؟‬
“Abiicu dii nii bi dunyaaya?”
Oo macnihiisu yahay:
“Ma diintaydaan adduunyadayda dhaaffsadaa oo ku gataa?”
Markaasuu (Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ka) baxay oo uu Makkah‫ مكة‬aaday.
Markaasuu markuu marayo meel la yiraahdo Al Xubshiyyu ‫ الحبشي‬uu dhintay, una jirta lix mayl,
waxaana la yiri toban, waxaa kaloo la yiri laba iyo toban mayl, isagoo hurda si kadis ah.
Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah ‫مكة‬
la keenay lagu duugay.”
Oofsashadiisuna waxay ahayd sanadka saddex iyo kontonaad, siday inta badan u yiraahdeen.
178
Markuu khabarka geeridiisu gaartay Caaishah‫ عائشة‬Allaha raalli ka noqdee, way rati ayay kasoo
raacday Al Madiinah‫ المدينة‬ilaa ay qabriugiisa kasoo dul istaagtay, markaasay tixaan tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
Waxayna tiri:
".‫ ما بكيتك‬،‫ ولو حضرتك‬،‫ لدفنتك مكانك حيث مت‬،‫"أما وهللا لو حضرتك‬
Labadaan tixood iyo warkana kor ayaan kusoo fasirnay.
Waxayna xoreysay addoon ka mid addoommadiisa, ayadoo rajaynaysa inuu Ilaahay wax ku
anfaco.” Waa intaas warku.
Dr, Muxammad Xasan Xallaaq Abuu Muscab oo yamaniga ah ‫ حسن حالق أبو مصعب‬.‫للدكتور محمد د‬
‫ اليمني‬wuxuu kitaabkiisa qaamuuska ah oo la yiraahdo Al Iidaaxaatu Al Casriyah lilmaqaayiisi
wa al makaayiili wa al awzaani wa al nuquudi al sharciyah ‫ اإليضاحات العصرية للمقاييس والمكاييل‬:
– ‫واألوزان والنقود الشرعية المعاصر – مكتبة الجيل الجديد – صنعاء‬, laguna daabacay Maktabatu Al Jiili Al
Jadiid eek u taalla Sanca arliga Yaman [email protected]
www.aljeel-aljadeed.com
Wuxuu sheegay inuu halkii bariid yahay laba iyo labaatan kiiloomitir, halkii bariidna uu ka
kooban yahay laba iyo toban mayl iyo boqo lix iyo toddobaatan mitir; halkii maylna wuxuu ka
kooban yahay kun sideed boqol sideed iyo afartan mitir ‫ إثنين وعشرين كيلمترا؛ وفي البريد إثنا‬:‫البريد‬
‫ متر‬0343 :‫ مترا؛ والميل‬076‫عشر ميال و‬
Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii\‫ حبشي‬iyo daanta xigta ee qubuuraha Al Xujuun\Al
Mucallaat\‫ الحجون\المعالة‬waa qiyaas lixdan mitir oo intaasoo in yar lagu daray ilaa qabrigiisa ku
yaalla qaybta Ahlu Baytka\‫ أهل البيت‬ayaa raggu tumankooda kusoo sideen.
Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii‫ حبشي‬ilaa albaabka Baabu Al Warwah\‫ باب المروة‬Al
Masjidu Al Xaraamu\‫ المسجد المرام‬waa qiyaas ilaa sideed boqol oo mitir siduu google u qiyaasay.
179
Kitaabu Ifaadati Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami
‫كتاب إفادت األنام بذكر أخبار البلد الحرام‬
‫تأليف العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفي‬
‫مع تعليقه المسمى بإتمام الكالم‬
‫ عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش‬-‫د‬-‫ معالي أ‬:‫دراسة وتعليق‬
1156621171116 ‫مكتبة األسدي بمكة المكرمة‬
‫ ميالدي‬2115/‫ هجري‬0481 ‫الطبعة األولي‬
‫طبعة منقحة ومزيدة‬
Kitaabkaan Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami ‫كتاب إفادت األنام بذكر أخبار‬
‫ البلد الحرام‬waxaa allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al
Xanafii‫ العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفي‬waxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray
Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish ‫ عبد الملك بن عبد هللا بن‬-‫د‬-‫معالي أ‬
‫ دهيش‬oo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee
Shareecada ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo
Itmaami Al Kalaami‫ مع تعليقه المسمى بإتمام الكالم‬lagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii ‫مكتبة‬
‫ األسدي بمكة المكرمة‬eek u taalla Makkah Al Mukarramah‫ مكة المكرمة‬taleefan: 6645581176165
dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga.
Hadalka labada qaws ama qaanso dhexdooda ku jirina waa hadalka faallada uu Dr. Dahiish ‫دهيش‬
ku daray.
Sheekha kitaabka allifay wuxuu wuxuu juzka labaad bogga boqol kow iyo konton ku yiri:
“Fasalka toddobaad: “warka qubuuraha Makkah iyo sarreyntooda iyo qaar ka mid ah kuwa
halkaas lagu duugay iyo kuwa xabaalo aan ayada ahaun lagu duugay ‫ في ذكر مقابرة مكة‬:‫الفصل السابع‬
‫ ومن دفن بغيرها‬،‫ ”وفضلها وذكر بعض من دفن بها‬wuxuuna yiri:
Qabriga Asmaa’u binti Abii Bakr Al Ssiddiiq, Allaha raalli ka noqdee
‫قبر أسماء بنت أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬
“Waxaa ka mid ah qabriga Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu‫ أسماء بنت أبي بكر الصديق‬Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee (warkeeduna wuxuu ku xusan yahay Dhabaqaatu ibnu Sacad
8/182-032/3 ‫ طبقات إبن سعد‬, iyo Khulaasatu Tah-thiibi Al Kamaali bogga afar boqol iyo labaatan
421:‫وخالصة تذهيب الكمال صفحة‬, iyo Al Aclaamu 1/305-811/0 ‫ ) األعالم‬walaasha la dhalatay Caaishah
‫ عائشة‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, waxayna dhimatay wiilkeeda Cabdu Allaahi ibnu Al
Zubayr‫ عبد هللا بن الزبير‬dabadiis isla bishaas uu wiilkeedu dhintay, waxaana lagu duugay Al
Mucallaat‫ بالمعالت‬. Qabrigeeduna wuxuu xagga qorrax kasoo bax uga soo horjeedaa wiilkeeda,
waxayna u dhexeeya dariiq la maro. Qabrigeeda waxaa ka kor dhisan dhismo (Al Isaabah ‫في‬
180
‫ اإلصابة‬wuxuu yiri: Qabri‫ قبر‬, sawaabtana waxaan ka qaadannay “Taxsiili Al Maraami‫تحصيل المرام‬
(waraqah boqol laba iyo lixdan-062 ‫) ورقة‬
Qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiq, Allaha raalli ka noqdee
‫قبر عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬
Waxaa kaloo ka mid ah Cabdu Al Rraxmaan bin Abi Bakr Al Ssiddiiqu Allaha labadoodaba
raalli ka noqdee‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬. Geeridiisu waxay ahayd kadis, habeenka
laba iyo tobnaad ee bisha Jumaadii Al Awwal‫ جمادي األو‬ee sanadka sideed iyo konton, isagoo
hurda, hurda uu ku seexday buur Makkah‫ مكة‬dhankeeda hoose ku taalla una dhow agteeda, lana
yiri inay u jirto toban mayl Makkah‫ مكة‬. Kaddibna rag tumankooda ayaa lagu soo qaaday
waxaana lagu duugay Makkah‫ بمكة‬. Qabrigiisa waa lagu yaqaanna Al Mucallaat‫المعالة‬, wuxuuna
ku yaallaa dhanka midig ee qofka u socda qabriga Khadiijah‫ قبر خديجة رضي هللا عنها‬Allaha
raallu ka noqdee.” Waa intaas warkiisu. (qabriga waxaa ka dul dhisnaan jiray guri, waxaana la
dumiyay zamanka Al Shariif Cawn‫ الشريف عون‬ee sanadka kun saddex boqol kow iyo labaatan
Hijriga (Ghaazii‫) غازي‬
Qabriga Abuu Quxaafah, Abuu Bakr Al Ssiddiiqu aabihiis, Allaha raalli ka wada noqdee
‫قبر أبو قحافة عثمان بن عامر بن عمرو القرشي التيمي صاحب رسول هللا صلى هللا وعلى آله وسلم ووالد أبي بكر‬
‫الصديق رضي هللا عنهما‬
Waxaana ka mid ah: Cuthmaan bin Caamir bin Camr Abuu Quxaafah ‫عثمان بن عامر بن عمرو أبو‬
‫( قحافة‬Al Isaabah warbixinta 54441444 ‫ ترجمة‬-‫ ; اإلصابة‬iyo Al Aclaamu 4/207217/4 ‫ ) األعالم‬aabaha
dhalay Abuu Bakr‫ أبي بكر‬: wuxuu islaamay Maalinta Furashada‫ يوم الفتح‬, wuxuuna noolaa ilaa
khilaafada Cumar Allaha raalli ka noqdee‫ خالفة عمر رضي هللا عنه‬, waxaana lagu oofsaday Makkah
‫ بمكة‬lix bilood iyo maalmo Abuu Bakr‫ أبي بكر‬Allaha raalli ka noqdee dabadiis. Markaasuu
wuxuu dhaxal ahaan u helay sudus‫– السدس‬waana marka dhaxalka lix meelood loo qaybiyay
meel- oo uu markaas suduskaas dib ugu celiyay oo siiya caruurta Abuu Bakr Al Ssiddiiqu ‫أبي بكر‬
‫( الصديق‬warkiisuna wuxuu ku sugan yahay Xusni Al Muxaadarah‫ حسن المحاضرة‬1/91; Al Isaabah:
warbixinta 51431 ‫ ; اإلصابة (ترجمة رقم‬Al Aclaamu‫ األعالم‬1/311-312).
Buurta Jabalu Xubshiyyu‫جبل الحبشي‬
Sheekha kitaabka allifay wuxuu fasalka labaad ku yiri: Warbixinta qaar ka mid ah buuraha ku
yaalla Makkah midda Sharfan‫ في ذكر بعض الجبال الواقعة بمكة المشرفة‬:‫ – الفصل الثاني‬bogga afar iyo
soddon:
“Xubshii‫ حبشي‬waa buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah‫ مكة‬, halkaas ayuuna erayga
“Axaabiishu Quraysh‫ ” أحابيش قريش‬ka yimid ayagoo Ilaahay isku dhaarsaday inay hal gacan
181
wada yihiin oo ay cadawgooda isugu dhan ka yihiin intuu habeen gudcirkiisu maalinta
iftiinkeeda daboolayo, maalintuna ay iftiin cad tahay, iyo intuu Xubshii‫ حبشي‬taagan yahay ""
‫ والمثبت من القاموس (صفحة‬.‫ سار‬:‫ألنهم تحالفوا باهلل أنهم ليد على غيرهم ما سجى ليل ووضح نهار وما رسا (في األصل‬
‫)) حبشي‬715,
(Al Xubshii‫ الحبشي‬waa buurta maanta la yiraahdo Jabalu Al Sulaymaaniyah‫ جبل السليمانية‬, waana
midka ku fidsan “Falaqi ibnu Al Zubayr ilaa Thaniyatu Al Madaniyiina ‫من فلق إبن الزبير إلى ثنية‬
‫ ”المدنيين‬loomana nisbeeyn nin xabashi ah ee waa magaca buurta lafteeda (Al Azraqii 2/285
‫ )األزرقي‬maantana waxaa hoostiisa laga dalooliyay oo laga furay laba nafaq ‫ – نفقان‬oo nafaq‫نفق‬
waa dariiqa dhex mara oo wada gooya buurta - oo isku xira Al Abdhax iyo Jarwal ‫بين األبطح وبين‬
‫جرول‬.” Waa intaas warkiisu.
Kitaabkaas waxaad ka heli kartaa bogga ama website-ka Prof.Dr. Cabdu Al Malik bin Dahiish
:‫الموقع الرسمي للشيخ عبد الملك بن دهيش‬
(www.bin-dehaish.com
Afar calamadood: calaamadda ugu korreysa: buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah, hoosteeda: salka buurta oo
ah bartuu ku dhintay Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr\‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬, Allaha labadoodaba raalli ka
noqdee, hadana ay labada nafaq ku yaallaan oo laga dalooliyay. Saddex: midigtaada xabaalaha Al
Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬oo lagu duugay. Afar: bidixdaada albaabka Baabu Al Marwah‫باب المروة‬
ee Masjidka oo Kacbada ku geynaya. Dr. Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ المكرمة‬1434H/2013M.
182
Buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah\‫ جبل السليمانية‬iyo labada dariiq oo laga duleeliyay o hoos mara.
Midigtaada daaraha dheerdheer dhexdooda xagga buurta xigta waxaad u jeedaa darafta
qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬. Masawirka waxaa qaaday Dr. Cabdu Al
Rraxmaan Xasanwali, isagoo ku jira dabaqa kow iyo tobnaad ee hoteelka “Funduqu Nuuru
Ghazzah\‫ ”فندق نور غزة‬oo shan boqol oo mitir u jira Xaramka, oo ku yaalla Shaaricu
Ghazzah\‫ شارع غزة‬oo Xaramka kasoo baxa. Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬1434H/2013M.
183
Qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬. Qaybta kore oo darbiga gaarka ahi ku wareegsan yahay
oo albaabka iyo daaqadaha cagaaran leh waa xabaalaha Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬ee Nabi Muxammad
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaas waxaa ku duugan Al Qaasim\‫ القاسم‬iyo
walaalkiis Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬labada wiil oo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam iyo hooyadood Ummu Al Mu’miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\‫;أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬awoowaha Nabiga iyo adeerkiis Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬iyo
awoowihiisa saddexaad Cabdu Manaaf\‫ عبد مناف‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo
dadka kale oo Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬ah. Halkaan waxaa kaloo ku duugan Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬
aabaha dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, caruurtiisa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al
Ssiddiiqu\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬iyo walaashiis Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu ‫أسماء بنت أبي‬
\"‫“ بكر الصديق "ذات النطاقين‬Thaata Al Nnidhaaqayni” Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
184
Qubuuraha Al Xujuun\‫ مقبرة الحجون‬Qaybta Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬albaabka cagaaran ayaa laga
gala.. Xasanwali 1432.H./2011M
Qabriga Asmaa’ bintu Abii Bakr Al Ssiddiiq\‫ أسماء بنت أبي بكر الصديق‬oo ku yaalla qaybta Ahlu A
Bayti\‫ أهل البيت‬ee qubuuraha Al Xujuun ee Maakah Al Mukarramah. Waxaan masawirkaan
kasoo qaadannay Website-ka Jaamacadda Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ee Ummu Al
Quraa\‫جامعة أم القرى‬.
http://uqu.edu.sa/files2/tiny_mce/plugins/filemanager/files/481330/makka2/03.jpg
185
Qabriga Sayyidinaa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr\‫سيدنا عبد الرحمن بن أبي بكر‬, Allaha raalli ka
ahaadee oo ku duugan qaybta Ahlu Al Baytka\‫ أهل البيت‬ee qubuuraha Al Xujuun\‫الحجون‬/Al
Mucallaat\‫المعالة‬. Masawirka waxaan kasoo qaadannay (www.ahlanpk.org/main.html).
‫‪186‬‬
‫‪: waxaad u jeedda‬المدينة المنورة\‪ xabaalaha Al Madiinah Al Munawwarah‬بقيع الغرقد\‪Baqiicu Al Gharqad:‬‬
‫البيت\‪qaybta Ahlu Al Bayti‬‬
‫‪ ayna ku duugan yihiin:‬أهل‬
‫بقيع الغرقد‪ :‬مقبرة أهل المدينة المنورة‪ ،‬قسم قبور بعض أهل البيت‪ ،‬منهم فاطمة الزهراء بنت رسول هللا صلى هللا‬
‫عليه وسلم‪ ،‬وإبنيها اإلمام الحسن‪ ،‬ورأس اإلمام الشهيد الحسين‪ ،‬وولد الحسين اإلمام علي زين العابدين‬
‫وإبنه أبو جعفر محمد الباقر‪ ،‬وإبن أبو جعفر‪ :‬جعفر الصادق‪ ،‬والعباس بن عبد المطلب عم رسول هللا صلى‬
‫هللا عليه وسلم‪ ،‬وعقيل بن أبي طالب شقيق علي إبني أبي طالب عم رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‪ .‬الصورة‬
‫بعدستي ‪2100/0488‬‬
187
Baqiicu Al Gharqad\‫بقيع الغرقد‬: Baqiicu Al Ummahaati: qubuuraha hooyooyinka mu’miniinta,
haweenka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaan ayay
dhammaantood ku duugan yihiin, ayna ka mid tahay Caa’ishah\‫عائشة‬, intaan ka ahayn Hooyo
Khadiijah\‫ خديجة‬oo Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ku duugan iyo Hooyo Maymuunah bintu
Al Xaarith Al Hilaaliyah\‫ ميمونة بنت الحارث الهاللية‬oo Sarif\‫ سرف‬oo maanta la yiraahdo Al
Nawaariyah\‫ النورية‬ku duugan Makkah\‫ مكة‬ka mid ah maanta, Kacbadan u jirta labaatan
kiiloomitir, marka Masjidu Caa’isha\‫ مسجد عائشة‬ee Al Tanciimu\‫ النتعيم‬la dhaafo: qabrigeedu meel
cidla ah oo dariiqa dhiniciisa bidix kaa qabanaya markaad Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬u socotid, waxaana ku wareegasan afar darbi. Halkaas geed ku oolli jiray hoostiisa ayuu
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku guursaday sanadka toddobaad ee hijrada, halkaas ayayna
ku dhimatay sanadka kow iyo konton hijriga, waxaana lagu duugay bartii ku oolli jirtay
khaymadda lagula aqal galay. Qabrigeeda waxaa wax ka galay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas ‫عبد‬
\‫ هللا إبن عباس‬Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
188
Qabriga hooyadeen Maymuunah binti Al Xaarith Al Hilaaliyah \‫ ميمونة بنت الحارث الهاللية‬.
Xasanwali 1432H/2011M.
189
Qubuuraha Al Baqiic\‫ البقيع‬iyo Qubbadda cagaaran oo ka dul dhisan qolka Nabiga Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo Minaaradaha Masjidka . Halkaan ayuu ku duugan
yahay Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Al Ssiddiiq\‫ عبد هللا بن أبي بكر الصديق‬Allaha dhammaantood
raalli ka noqdee. Xasanwali 1433H/2011M.
Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu\‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wuxuu dhalay saddex
cunug oo kala ah laba wiil iyo gabar.
Wiilashu waa:
(Kow) Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬
\‫ الصديق‬oo ay hooyadiis tahay Umaymah bintu Cadiyyi bin Qays bin Xuthaafah bin Sacd bin
Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb Al Sahmiyyi ‫أميمة بنت عدي بن قيس بن حذافة بن سعد بن سهم بن‬
\‫ هصيص بن كعب السهمي‬oo Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Sahm\‫ بني سهم‬u dhalatay iyo:
(Laba) Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد هللا بن عبد الرحمن بن‬
\‫ أبي بكر الصديق‬iyo gabar magaceedu yahay:
(Saddex) Xafsah bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫حفصة بنت عبد الرحمن بن أبي‬
\‫ بكر الصديق‬oo ay isaga isku hooyo yihiin, hooyadoodna ay tahay Qariibah Al Sughraa bintu Abii
Umayyah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum ‫قريبة الصغرى بنت أبي أمية‬
190
\‫ بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬oo Qurayshta\‫ قريش‬reer Banuu Makhzuum\‫ بنو مخزوم‬u
dhalatay.
Al Zubayru bin Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu Xadiithkiisa toddoba boqol iyo toddoba iyo
sideetan ku sheegay inay jirto gabar kale oo magaceedu yahay:
(Afar) Ummu Kulthuum bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakar Al Siddiiq ‫أم كلثوم بنت عبد‬
\‫الرحمن بن أبي بكر الصديق‬.
Saxaabigaan wayn oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiq\‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
waa aabaheenna aan ku abtirsanno.
Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu ‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬
\‫الصديق‬
Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
koofaartiisu waa Abuu Catiiq\‫أبو عتيق‬.
Calii Al Dhandhaawii\‫ علي الطنطاوي‬wuxuu kitaabkiisa Abuu Bakr Al Siddiiq Al Macaarif ‫أبو بكر‬
\‫ الصديق المعارف‬ka wariyay oo yiri:
"Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
wuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad\‫ عبد هللا بن محمد‬wuxuuna leeyaha cirib la yiraahdo
Aala Abii Catiiq\‫أل أبي عتيق‬, oo dhasha Abuu Bakr‫ أبو بكر‬laga dhex yaqaanno.
Wuxuu magacaasi ugu baxay ayadoo ay koox wiilal ah ee dhasha Abuu Bakr ‫ أبو بكر‬isku
faaneen. Markaasuu midkood wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiiqu\‫"الصديق‬.
Mid kalena wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Midka labaad ee labo \‫(إبن ثاني اثنين‬godka ku wada jiray isaga iyo
Nabi Muxammad, Sallaa Aallaahu Calayhi Wasallam)".
Markaasuu Muxammad\‫ محمد‬wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Catiiq\‫( عتيق‬oo ah magac ka mid ah amagacda Abuu Bakr Al
Siddiiq\‫")أبو بكر الصديق‬: markaasaa isaga iyo ubadkiisaba ilaa maanta taas loo nisbeeyey."
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu wariyay in Muxammad bin Cabdu Al
Raxmaan‫ محمد بن عبد الرحمن‬uu khamro uu cabay lagu karbaashay isaga iyo Muscab bin Cabdu Al
Raxmaan bin Cawf\‫مصعب بن عبد الرحمن بن عوف‬, waxaana karbaashay Marwaan\‫مروان‬.
Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬waa saxaabi,
annaguna isagaan ku abtirsannaa oo waa aabeheen.
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakar Al Siddiiq "ibnu
abii Catiiq"\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق‬
Muxammad\‫ محمد‬wuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr Al Siddiiq, koofaartiisuna ay tahay "ibnu abii Catiiq" ‫عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬
‫الصديق إبن أبي عتيق‬.
191
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban, kaftanlowna ah, siduu Al Zubayru
\‫ الزبير‬Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo toddobaatan ugu wariyay.
Gabaygana wuu tirin jiray.
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu fallar ku ganay barta la nishaabo, isagoo tartan ku jira,
markaasuu wuxuu yiri:
"Waan la helay, aniguna waxaan ahay ibnu abii Catiiq‫ " إبن أبي عتيق‬uuna ka wado Abaa
Quxaafah\‫( أبو قحافة‬oo ah Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬aabiihisa dhalay oo taasi ay
koofaartiisa ahayd. Abuu Bakr‫ أبوبكر‬laftiisa magaciisa ama koofaartiisa kalena waxay ahayd oo
la oran jiray Catiiq \‫ عتيق‬Waxaa kaloo la yiri in Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan ‫محمد بن عبد‬
‫ الرحمن‬oo ah aabihiis Abuu Catiiq\‫ أبوعتيق‬lagu koofaari jiray).
Xadiithkaanna waxaa wariyay Ansaabu Al Ashraafi\‫أنساب األشراف‬, wuxuuna ku daray:
"Waxaa nishaabta ku tartamay koox wiilasha Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬ka mid ah, markaasuu midkood
wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiq‫" الصديق‬.
Mid kalena wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka saaxiibka godka, waa Ghaaru Thawre\‫"غار ثور‬.
Markaasuu Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu
yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Abii Catiiq oo ah ibnu abii Catiiq\‫إبن أبي عتيق‬."
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ahaa
nin naadir ah oo isago kale uusan jirin, aadna u qurux badan.
Nin reer miyi ah ayaa laazimi jiray oo aan ka tegi jirin ibnu abii Catiiq‫إبن أبي عتيق‬, markaasuu
mar arki waayey in muddo ah. Markaasuu isagoo maalin albaabka daartiisa ee Al
Madiinah\‫ المدينة‬hor fadhiya ayaa waxaa soo maray ninkii oo xargo ku xiran.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"War hooge tanna waa maxay?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan dhoobo mariyay barkaddeyda, markaasaa nin dariskeyga ahi dalooliyay, markaasaan
intaan gacanteyda kor u qaaday mar laabta uga dhuftay markaasaa ajashiisu u timid oo uu
dhintay".
Wuxuu yiri:
“Oo hoy maxaad sidaas u yeeshay?"
Markaasuu ninku tix gabay ah tiriyay uu ku sheegayo waxa dhacay. Markaasuu ibnu Abii Catiiq
‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu yiri:
"Anigu Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan ku samayn lahaa dhoobo la isku keenay, lugteydana ma uusan
ahaan lahayn waxa lugtaada ah (oo ah xarigga ku xiran)."
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu kaloo wariyay:
"Caa'ishah\‫ عائشة‬ayaa waxay u ciddirtay ibnu abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayadoo waydiisanaysa inuu
tabalcaareeyo baqlad uu lahaa ayna u dooneyso inay ku qaaddo ergay ay xaajjo ay leedahay u
dirsaneyso.
192
Markaasuu wuxuu rasuulkay u soo dirsatay ku yiri:
"Waxaad ku tiraahdaa:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaana wali madaxdeenna ka dhiqin ceebta Yawmu Al Jamali\‫يوم الجمل‬
(Maalinta Ratiga). Marka, aragtidaada ma ka mid tahay inay noola timaaddo Yawmu Al Baghlati
\‫( يوم البغلة‬Maalinta Baqasha)?"
Wuxuu kaloo wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa addoon u lahaa wuxuu weydiiyey muraayad uu lahaa.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Waxaan kusoo nadiifiyay oo mirirka iyo qayyiraadda uga soo bi'iyey labo dirham."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬hadday isha qorraxdu qayyirmi lahayd (waa mirir lahayd oo iftiinku ka tegi
lahaa) nadiifinteeda qayyiraadda looga tirtiri lahaa labo dirham ma gaareen."
Wuxuu kaloo wariyay:
"Caa'ishah bintu Dhalxah\‫ عائشة بنت طاحة‬waxay lahay khuluq\‫ خلق‬aan fiicnayn, markaasey Cumar
bin Cubaydu Allaahi bin Macmar\‫( عمر بن عبد هللا بن معمر‬oo ninkeeda ahaa) intay u carootay
gogosha uga guurtay, oo ay qol kale oo ay lahayd intay fuushay jaranjarada lagu fuulana kor u
qaadatay. Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu la hadlay ibnu abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬oo uu ku yiri:
"isoo oggoleysii oo ralli ha iga noqoto, adiguna waxaad leedahay toban kun oo dirham."
Markaasuu ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬intuu qolkaas hoos istaagay ayuu wuxuu ku yiri:
"ina adeerteeyey! Ninkaani wuxuu i siinaya toban kun oo dirham haddaad oggolaatid, marka
inaad oggoshahay tus, jaranjaradana soo deji, intaas kaddibna dib ugu laabo wuxuu Ilaahay
kaaga caado yeelay oo khuluq xumo ah."
Sidoo kale wuxuu wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu maqlay Cumar bin Abii Rabiicah‫ عمر بن أبي ربيعة‬oo ku
luqaynaya:
Keebaa iga gaarsiinaya Al Tharyaa\‫( الظريا‬haweentiisa) inay
Noloshii ciriiri igu noqotay markay iga tagtay, waa Kitaabkee?
Markaasuu wuxuu yiri:
"Anigaa ergayga ah".
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬u ambabaxay. Waxaa kaloo la yiri Dhaa'if\‫الطائف‬. Markaasuu intuu u
tegey tixdii u tiriyey. Markaasuu intu hashiisa gadiiyay gaddoomay. Markaasaa waxaa loo soo
jeediyey inuu dego oo xoogaa joogo. Markaasuu wuxuu yiri:
"Joogiddeydu kaddib markaan xaajadayda gutay waa jaahilnimo iyo dan la'aan iyo waqti lumis".
Kaddibna wuu gaddoomay.
Isla Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu yiri:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu soo booqday Ummu Al Mu'miniina Caa'isha ‫أم المؤمنين‬
\‫ عائشة‬oo xanuunsan, markaasuu wuxuu yiri:
"Ummu Al Mu'miniiney\‫ يا أم المؤمنين‬sideebaad isku deyeysaa? Ilaahay furashadaada ha iga
193
dhigee."
Waxay tiri:
"Waan xanuunsanahay, umana jeedo inaan caawo nooli ku gaarayo."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Hadday sidaas tahay, hadaba Ilaahay furashadaada igama dhigo."
Al Zubayrna\‫ الزبير‬wuxuu wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu usoo galay Ummu Al Mu' miniina Caa'ishah ‫أم‬
\‫ المؤمنين عائشة‬markuu hayay xanuunka lagu oofsan doono, wuxuuna ku yiri:
"Sidee baad ku bariday hooyoy, Ilaahay furashadaada ka iga dhigee?"
Markaasey waxay ku tiri:
"Waxaan waabaristay aniguu baxaya (dhimanaya)."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Hadaba maya."
Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu lahaa saaxiibbo ay ku kulmi jireen Masjidka RasuuIka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah\‫المدينة‬. Halkaas ayay gabayo ku
luqayn jireen.
Masjidka dhexdiisa dhinac ka mid ah ayaa waxaa maalin walba ku tukan jiray nin salaadda
dheereyn jiray oo ku dheeraan jiray.
Markaasuu markuu salaadda ka baxo oo uu salaamo naqsado ayuu wuxuu ku yiraahdaa:
"Kuwiinnaan faasiqiinta ahi, ma Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayay dhexdiisa gabayo ku tirineysaan?"
Markaasuu ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬maalin Masjidka ka baxay, markaasey gabar addoon
ahayd waxay ku tiri:
''Nin majliskiina agtiisa ku tukada ayaa i maaga, iiguna yeera waxaan u xalaal ahayn."
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Hooy! Markuu ku maago ka jeeso, markaas hadduu guriga kuugu soo galo ii soo sheeg."
Markaasuu markuu maagay ay guriga mawleheeda soo gelisay, ay ibnu abii Catiiq-na‫إبن أبي عتيق‬
u yeertay.
Intuusan waxaan in yar ahaynba guriga ku jirin ayaa waxaa yimid Ibnu Abii Catiiq ‫إبن أبي عتيق‬
iyo asxaabtiisa.
Markaasey gabadhii waxay ninka ku tiri:
"Waxaa yimid mawleheyga ee waxaad gashaa meeshaan (oo ahayd qol yar oo daah ku xiran
yahay oo dharka lagu kaydsado)" oo markuu galayna ay daaha ku xirtay.
Markaasuu Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu yiri in cunno loo keeno. Markaasaa cunno loo
keenay oo ay isaga iyo asxaabtiisuba ka cuneen, kaddibna uu yiri:
"Gabaray! Meeshaan fur waan seexanayaaye".
Markaasey markay furtay uu ninkii ku jiray ayaga soo fiiriyey uuna yiri:
"Kuwiinnaan faasiqiinta ahi maxaad halkaan ka samayneysaan?"
Markaasuu Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu ku yiri:
"Na astur Allaha ku asturee."
194
Markaasuu ninkii guriga ka baxay uusanna mar dambe Masjidka kusoo laaban.
Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa baqashiisa kasoo degay markaasuu kaadiyay. Kaddib
asxaabtiisu intay xambaareen ayay baqasha hadana saareen, markaasuu wuxuu yiri:
"Waa gudateen wixii adinka korkiinna ahaa oo ahaa xambaariddeyda, waxaana haray waxa
aniga korkeyga ah, oo ah inaan korkeeda isku hayo (oo aanan kasoo dhicin)."
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu Tahthiibu Al Tahthiibi\‫ تهذيب التهذيب‬ku yiri
waxay ka mid yihiin:
"Wuxuu ka wariyay aabihiis, eedadiisa Caa'ishah\‫ عائشة‬iyo ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬iyo Caamir bin
Sacd\‫عامر بن سعد‬.
Isagana waxaa ka wariyay labadiisa wiil Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬iyo Muxammad\‫محمد‬, iyo
Khaalid bin Sacd\‫ خالد بن سعد‬iyo Camr bin Diinaar\‫ عمرو بن دينار‬iyo Muxammad bin Isxaaq ‫محمد بن‬
‫ إسحاق‬iyo Abuu Xazrah Yacquub bin Mujaahid Al Madaniyyu \‫ أبو حزرة يعقوب بن مجاهد المدني‬iyo
ghayrkoodba.
Al Cijliyyu\‫ العجلي‬wuxuu yiri:
"Waa Madaniyyun\‫ مدني‬- oo ah inuu Al Madiinah\‫ المدينة‬degganaa-, taabicii\‫ تابعي‬iyo thiqqah\‫ثقة‬,
oo ah in Xadiithku wariyo lagu kalsoon yahay."
Muscab Al Zubayrii\‫ مصعب الزبيري‬wuxuu yiri:
"Wuxuu ahaa nin saalix suuaban ah, kaftanlowna wuu ahaa."
Ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬wuxuu ku daray kuwa "thiqqah\‫ "ثقة‬lagu kalsoon yahay warkooda ah."
Waa intaas warka ibnu Xajar\‫إبن حجر‬.
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq "ibnu abii
Catiiq"‫ عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق‬waa Taabici\‫تابعي‬, waana aabaheen
oo isagaan ku abtirsannaa. Allow raalli ka noqo.
Dhasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu
bin Abii Bakr Al Siddiiqu "Ibnu Abii Catiiq" ‫عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن‬
‫أبي عتيق‬
Wuxuu ibnu Sacd‫ إبن سعد‬kitaabkiisa Al Dhabaqaatu Al Kubraa\‫ الطبقات الكبرى‬ku waraiyay
Xadiithkaan:
"Ibnu Abii Catiiq‫ أبي عتيق‬wuxuu dhalay:
(Kow) Muxaammad ibnu Cabdu Allaahi \‫محمد بن عبد هللا‬, oo ah awooweheen oo isagaan ku
abatairsannaa.
(Labo) Abuu Bakr bin Cabdu Allaahi\‫أبوبكر بن عبد هللا‬.
(Saddex) Cuthmaan bin Cabdu Allaahi\‫عثمان بن عبد هللا‬.
(Afar) Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi\‫عبد الرحمن بن عبد هللا‬.
(Shan) Cumar bin Cabdu Allaahi\‫عمر بن عبد هللا‬.
195
(Lix) Caatikah bintu Cabdu Allaahi\‫عاتكة بنت عبد هللا‬.
(Toddoba) Caa'ishah bintu Cabdu Allaahi\‫عائشة بنت عبد هللا‬.
(Sideed) Zaynab bintu Cabdu Allaahi\‫ زينب بنت عبد هللا‬ay hooyadoodna tahay Ummu Abiihaa bintu
Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫أم أبيها بنت عبد هللا بن عبد الرحمن بن‬
\‫أبي بكر الصديق‬.
(SagaaI) Caa'isha bintu Cabdu Allaahi\‫عائشة بنت عبد هللا‬, waxaana la yiri magaceedu waa Ummu
Kulthuum\‫أم كلثوم‬, hooyadeedna waa addoon u lahaa.
(Toban) Aaminah bintu Cabdu Allaah\‫آمنة بنت عبد هللا‬, hooyadeedna waa Ummu Isxaaq bintu
Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin Cuthmaan Al Taymii \‫أم إسحاق بنت طلحة بن عبيد هللا بن عثمان التيمي‬,
walaasheed ay isku hooyo yihiinna waa Faadhimah bintu Xusayn bin Calii bin Abii
Dhaalib\‫فاطمة بنت حسين بن علي بن أبي طالب‬."
Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al
Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq
\‫ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬waa awooweheen aan ku abtirsanno, oo
waa ina Ibnu Abii Catiiq\‫إبن أبي عتيق‬.
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu kitaabkiisa Tahthiibu Al Tahthiibi\‫تهذيب التهذيب‬
ku yiri:
"Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Abii Catiiq Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr Al Siddiiq\‫ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق القرشي التيمي المدني‬Al
Qurashiyyu Al Taymiyyu Al Madaniyyu wuxuu Xadiithka ka wariyey aabihiis iyo Anas \‫ أنس‬iyo
Naafac Mawlaa ibnu Cumar\‫ نافع مولى إبن عمر‬iyo Abii Yuunus Mawlaa Caa'ishah ‫إبي يونس مولى‬
\‫ عائشة‬iyo Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬iyo jamaaco kale.
Isagana waxaa ka wariyey Sulaymaan bin Bilaal\‫ سليمان بن بالل‬iyo Cabdu Al Caziiz bin Abii
Salamah Al Maajishuun\‫عبد العزيز بن أبي سلمة الماجشون‬, iyo Cabdu Al Caziiz Al Daraawardiyyu ‫عبد‬
\‫ العزيز الدارقطني‬iyo Muxammad bin Isxaaq\‫( محمد بن إسحاق‬oo Siirada dhigay), iyo Yaxyaa bin
Ayyuub Al Misriyyu\‫ يحيى بن أيوب المصري‬iyo Yaziid bin Zurayc\‫ يزيد بن زريع‬iyo Xammaad bin
Salamah\‫ حماد بن سلمة‬iyo Xaatim bin Ismaaciil\‫ حاتم بن إسماعيل‬iyo ghayrkoodba.
Ibnu Xabbaan\‫ إبن حبان‬wuxuu ku daray "Al Thiqaatu\‫ "الثقة‬kuwa Xadiithkooda lagu kalsoon
yahay.
Al Thuhayliyyu\‫ الذهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Abii Thu'ayb‫ إبن أبي ذؤيب‬iyo ibni Abii Catiiq\‫ إبن أبي عتيق‬riwaayadohoodu way isku dhow
yihiin ay Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬ka wariyey.
Ibnu Abii Thu' aybse‫ إبن أبي ذؤيب‬waa caan, ibnu abii Catiiqse\‫ إبن أبي عتيق‬waa reer Al Madiinah
\‫ المدينة‬kamana uusan warin, intaan ka warhayo, Sulaymaan ibnu Bilaal\‫ سليمان إبن بالل‬ghayrkiis.
Waxaanna maqlay Ayyuub bin Sulaymaan\‫ أيوب بن سليمان‬oo la waydiiyey nasabkiisa markaasuu
sheegay, wuxuuna yiri:
"Ma ogi axad kale oo Al Madiinah\‫ المدينة‬uga wariyay oo aan aabahay ahayn."
196
Al Thuhliyyu\‫ الذهلي‬wuxuu yiri:
"Waa nin Xadiithkiisu fiican yahay uu ka wariyay Al Zuhriyyi\‫الزهري‬, warintiisuna ay badan
tahay, Xadiithkiisuna uu dhowyahay, hadduusan Sulaymaan bin Bilaal \‫ سليمان إبن بالل‬ahayn
lahaynna oo Xadiithkiisa wariyey, Xadiithkiisu wuu tegi lahaa (lumi lahaa)".
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ayaana wariyay Xadiithkiisa."
Riyadeyda Abuu Bakr Al Siddiiqu \‫أبوبكر الصديق‬
Waxaan cajalada sideed iyo tobnaad ee siiradayda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo boqol iyo sideetan cajaladood ka kooban, ku akhriyay inaan ahay ina Abuu Bakr
Al Siddiiqu‫ أبوبكر الصديق‬, Shiikhaalna\‫ شيخال‬ah, oo hore loo oran jiray Mashaayiikh\‫ مشاييخ‬oo
ah sheekhyo badan, ay sidaas wada tahay. Cajaladdaas waxaan ku hadlay maalinta Mawliidka ee
bisha Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ay tahay laba iyo toban ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar
boqol iyo labaatan, una dhigantay lix iyo labaatanka Juunyo ee kun iyo sagaal boqol iyo sagaal
iyo sagaashan Miilaadiga ah.
Markaasaan waxaan ku riyooday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Dhawr goor ayaan riyo ku arkay Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬, aanna la hadlay anigoo
hurda, taasoo ah deeq uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬igu galladaystay, mahadi ha gaartee.
Riyada koowaad: Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬oo Khaliifka Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo doortay\‫خلبفة رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬
Riyada koowaad, oo aan ku riyooday muddo gaaban kaddib cajaladdaas akhrinteeda, waxay
ahayd sidatan.
Waxaan ku dhex jiraa guri aan riyada dhexdeeda isku leeyahay, intuu iila ekaaday, waa guriga
walaalkay Cabdu Al Rrashhidu Sheekh Xuseen Cismaan\‫عبد الرشيد شيخ حسين عثمان‬, Allaha u
naxariistee. Gurigaas aan ku dhex jiro wuxuu ka kooban yahay laba qol oo iska soo horjeeda,
saqafna wadaaga oo uu wada daboolo, ayna u dhexeyso barsad dhinaca dambe waasac ka ah.
Barsaddaan waxaa wada fadhiya oo ka buuxa rag dhulka darmooyin ku fadhiya. Waxaa safka
ugu soo horreeya raggaas fadhiya nin caato ah oo khamiis duug ah oo midabka ukunta leh
labbisan, waana khamiiska la yiraahdo sukari\‫سكري‬, oo ay labadiisa lugood dhulka ku suran
yihiin labadiisa gacnoodna inta is dhaafiyay jilbihiisa ku haya.
Madixiisuna wuxuu kusoo fooraraa labadiisa jilbood. Waxaa la ii sheegay inuu ninkaasi Abuu
Bakr Al Siddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬yahay.
Waxaa ayaguna jooga koox rag ah, oo dhawr nin ka kooban oo intay qol kasoo baxaan oo
raggaas fadhiya soo hormaraan hadana qolka kale gelaya. Sidaas ayayna yeeleen dhawr goor oo
intay qol kasoo baxaan ayay kan kale galaan, ayagoo intaas wada hadlaya oo si xoog leh u
doodaya.
Markaasey intay isoo ag istaageen ayay waxay igu yiraahdeen:
"Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬u tag, una sheeg inuu isagu madax noqonayo."
197
Markaasaan intaan u tegey Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬ku iri:
"Adigaa madax noqonaya."
Riyadaasi intaas ayay ahayd. Wa Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu
Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman
kathiiran.
Intuu Aadan\‫آدم‬, dhalay saddex nin ayaa khaliifah\‫ خليفة‬lagu magacaabay, oo laba ka mid ahna
Ilaahay ayaa Kitaabkiisa\‫ خليفة‬Quraanka dhexdiisa Aadan\‫ آدم‬khaliifah ku magacaabay, Nabi
Daauudna\‫ داود النبي‬sidoo kale khaliifah\‫ خليفة‬ku magacaabay.
Qofka saddexaadna waa Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬, oo ay asxaabta Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khaliifah‫ خليفة‬ku magacaabeen uguna yeereen,
markay u doorteen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaanka
ummaddiisa uga dambeeyo.
Cumar\‫ عمر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo Calii\‫ علي‬midna khaliifah‫ خليفة‬lama oran ee waxaa la oran
jiray Amiiru Al Mu'miniina‫أمير المؤمنين‬. Calii\‫ علي‬gaar ahaanna Imaam Calii\‫ اإلمام علي‬ayaa u
dheereyd.
Culummadu waxay tiraahdaa in qofka saxaabinnimada asxaabta Nabi Muxammad inkirah uusan
gaaloobeyn oo uusan Diinta uga baxayn, qofkase saxaabinnimada Abuu Bakr Al Siddiiq ‫أبوبكر‬
‫ الصديق‬diiday uu gaaloobayo oo Diinta ka baxayo isagoo inkiray oo beeniyey Aayadda
afartanaad ee Suuratu Al tawbah\‫ التوبة‬oo uu Ilaahay ku leeyahay :
ِ ‫ِإ ْذ يقُو ُل ِلص‬
‫احبِ ِه‬
َ
َ
"Ith yaquulu li Saaxibih"
oo ah:
"Markuu, waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku lahaa saaxiibkiis, waa Abuu
Bakare‫" أبوبكر‬.
Riyada labaad: Imaamnimada Abuu Bakr AI Siddiiqu‫أبوبكر الصديق‬
Marka labaad waxaan ku riyooday anigoo ku dhex jira Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, siduu ahaa markii la
dhisay: wuxuu dhererkiisu ahaa shan iyo soddon mitir, ballaciisuna soddon mitir (fiiri
Dr.M.I.Cabdu Al Ghanii\‫)د\محمد إلياس عبد الغني‬.
Dhulkiisu wuxuu ahaa ciidda madow ee magaaldaas, oo waagaas kaddifad iyo darmo midna ma
oollin. Darbiyadiisuna waxay ka dhisnaayeen libin qorraxda lagu qallajiyay oo aan dab loo
dhoweyn. Saqafkiisuna wuxuu ahaa cariish, oo waxaa saarnaa laamaha geed timireed laguna
deday reeryo biyaha roobka ka celisa.
Markaasaan waxaan arkay asxaabtii oo salaad u taagan oo tukanaya, imaamna uu u yahay Abuu
198
Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Markaasaa waxaa qolka Caa'ishah\‫ عائشة‬kasoo baxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo markaas inta socday Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬dhinkiciisa midig
fariistay.
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبوبكر الصديق‬dib usoo tillabsaday, si uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Imaam u noqdo oo uu dadka u tujiyo.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa shariifka ah ugu
tilmaamay inuu meeshiisa joogo, Abuu Bakarse‫ أبوبكر الصديق‬dib ayuu usoo joogsaday, oo
sidaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Imaam ku ahaa oo uu Abuu Bakr
‫ أبوبكر الصديق‬isaga ku daba tukanayey, dadkuna ay codka Abuu Bakr‫أبوبكر الصديق‬
maqlayeen oo codka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wa tag darraa, isaygayse ku
daba tukanayeen. Riyadaasna intaasey ahayd, dhacdadaasna waa sida saxiixa ah oo ay usoo
aroortay.
Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana
Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Dambaabiddayda
Sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo shan iyo labaatanka ayaan anigoo qof la hadlaya
waxaan ku hadlay war diinta ku saabsan oo aanan erayadiisa, kaddib, u bogin oo aan ka
xumaaday, aanna jeclaaday inaan warka si taas ka duwan u oran lahaa. Waxaan ka
qawmamooday hadalkaan iri, oo xanuun ayuu igu qabtay. Wuxuuna ahaa hadal aan culummada
ka wada maqlay.
Riyada saddexaad: Siday Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Abuu Bakr ‫أبوبكر‬
‫ الصديق‬iyo
Cumar\‫ عمر‬iyo Calii\‫ علي‬ii kabeen
Markaasaan habeen riyooday, waxaanna ku riyooday anigoo masjid dhexdiisa fadhiya, annagoo
salaadda sugaynna, aniguna aan safka saddexaad fadhiyo.
Safka labaad oo horteyda ahna meelo badan ayaa ka bannaan. Markaasaan waxaan is iri:
"Maad safka labaad u guurtid oo buuxisid, marka salaadda la iqaamana aad kan koowaad usii
gudubtid?"
Markaasaan go'aan gaari waayey. Markaan cabbaar fadhinnay Aathaanka kaddib ayaa waxaa
naloo sheegay in la sugayo inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yimaado oo
uu dadka tujiyo oo uu isagu Imaamka yahay.
Markaasaan waxaan goostay inaan weysadeyda soo cusbooneysiisto oo aan fadhiga ka kacay, oo
aan xagga masjidka dhankiisa dambe aaday, halkaasoo ay dhuumaha laga weyso qaato ku
yaalliin. Markaan in yar socdayba mase waa Abuu Bakr‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Calii\‫علي‬
(ama Cismaan‫ )عثمان‬oo albaabka Masjidka ag taagan, masjidkana ku dhex jira oo Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawraya, ayaguna sheekeysanaya.
199
Waxaan is weydiiyey:
"Mee Cismaan\‫"?عثمان‬
Markaan soo weyso qaatay ayaan isla meesheydii safka saddexaad ahaa kusoo noqday oo aan ku
tukaday, ayadoo ay safka labaadna meelo aniga horteydaba ah ka bannaan yihiin, qaarkiisna ay
rag buuxiyeen.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yimid oo uu Salaadda na
tujiyay. Taasna waa marka saddexaad oo aan riyo ku arkay.
Markaan subixii dambe hurdada kasoo kacay dhinacna waan ku farxay riyadeyda, ahna inaan
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ku daba tukaday, asxaabtiisana aan arkay.
Dhinacna waan ka naxay, o ah inaanan safka koowaad ku tukan, ayadoo aan Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, la iga xigin, arrinkaanoo xanuun xoog leh igu qabtay, oo aan is iri:
"Ma hadalkaan ku hadlay ayaa darajadaan Ilaahay agtiisa ku lahaa hoos u dhigay, sidaan ugu
dhowaana Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iga fogeeyey? Oo intaan safka
koowaad ahaan lahaa ayaan waxaan noqday kan saddexaad, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waa la iga xigsaday?"
Aad ayaan u murugooday oo u calool xumaaday, si ka waynna waan u cabsaday, ilaa ay cabsidu
xanuun igu qabatay. Riyada habeenkaasna intaasey ahayd. wa al xamdu li Allaahi Rabbi al
caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa
Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Tawbad keenkeyga
Markuu xanuunku igu batay oo aan nafteydaba u baqay, ayaan goostay inaan warkaas ka tawbad
keeno. Markaasaan saddex maalmood oo isku xigta soomay, habeenkiina tahajjud\‫ تهجد‬iyo Alle
bari u kacay, oo aan booyey, oo ay ilmadu iga dureertay, waxaan ku hadlayna aan ka
qoomamooday, aanna goostay inaanan mar dambe u laaban, Ilaahayna aan ka baryay inuu
dambigeyga dhaafo, tawbaddeydana aqbalo.
Riyada afaraad: Aqbalidda tawbadeyda
Markaasaan riyooday, saddexdaas maalmood kaddib. Waxaan ku riyooday anigoo guri jaziirad
yar oo dhir iyo cagaar miiran ah ku dul yaalla ku dhex jira habeenna ay tahay, roob xoog lehna
uu da'ayo, biyaha korkooda iyo dhexdoodana ay daruuro cad heehaabayaan, iftiinna ay tahay oo
wax loo jeedo, ayanna gudcur ahayn.
Guriga waxaa ka buuxa rag dhar cadcad labbisan oo dhulka darmooyin iyo kadiifado ku wada
fadhiya, ayanna jirin meel bannaan oo axad kale fariisto. Waxaa halkaas fadhiya Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nuurkiisa aan indhaha lagu fiirin karin,
dhabarkiisuna uu darbiga xigo, guriguna uu wareegsan yahay sida mundulle oo kale, ayna la
fadhiyaan asxaabtiisu. Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam la hadlay Abuu Bakr
‫أبوبكر‬, oo uu si hoose wax ugu sheegay.
200
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬inta kacay albaabka guriga ka baxay. In yar kaddib ayaan aniguna
ka daba baxay anigoo isaga raba. Markaasaan waxaa soo galay guri kii hore oo kale ah, kana dul
dhisan jasiirad tii hore oo kale ah. Intaasna roobku wuu da'ahayaa.
Meesha waxaa ka muuqda jasiirado kale, waxaanna soo xusuustay magaalada Stockholm ee
dalka Sweden oo sidaasoo kale jasiirado badan ka kooban, oo waxaaban is weydiiyey inay
meeshu Stockholm tahay. Markaan gurigii labaad soo galay, kaasoo uusan dhexdiisa axadna ku
jirin, ayaan Abuu Bakr‫ أبوبكر‬nuurkiisa indhaha siin waaye, waxaana iga xigsaday wax u eg
armaajo wayn oo qori ka sameysan.
Markaasaan jasiiraddii koowaad kusoo laabtay, oo intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u imid weydiiyey meeshuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬jiro, isaguna uu ii sheegay
inuusan u war hayn. Markaasaan hadana waxaan kusoo laabtay jasiiradii iyo gurigii labaad,
anigoo ku wada inuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬halkaasoo aan ku arkay uu ku sugan yahay.
Markaan gurigii galay ayaa waxaa isaguna soo galay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo caddaanka nuurkiisa aan indhaha la siin karin.
Markaasaan wax weydiiyey Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Abuu Bakr ‫ أبوبكر‬u
yeeray, kanna uu armaajadii iiga duwanayd iyo guriga darbigiisa dhexdooda kasoo baxay isagoo
nuurkiisa aan indhaha la siin karin.
Markaasaan wax weydiiyey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalaam, wuxuuna iigu jawaabay
oo uu yiri hadal macnihiisu yahay:
"Taasi waxay la mid tahay adigoo safka saddexaad ku jira oo saflka koowaad lagu keenay.
Adiguna waxaad tahay kan koowaad, oo ninna kaama darajo sarreeyo, axadna aniga igama kaa
xigo."
Inay sidaas tahayn wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, iga tusay darbiga qolkaas
aan kula jiray annagoo halkaas siday xaaladdu masjidka dhexdiisa ahayd markaan safka
saddexaad fadhiyay hortayduna ay bannaanayd, mixraabkuna uu maran yahay oo uusan
imaamku weli soo gelin ku aragnay sida ayadoo filim darbiga lagu daaray oo kale oo aan
darbigaas iftiinka filimka lasoo daaray uga jeedo. Ama siduu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Darbigaas aan wax ka fiirsaneynno wuxuu dhanka bidix ka xigaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, anigana horteyduu ku beegan yahay, oo waxaan taaganahay midigta
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Bakarna‫ أبوبكر‬xagga midigteyda ayuu taagan
yahay oo isagaan bidixdiisa taaganahay.
Irriidduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo galayna waxay xigtaa xagga
dhabarkiisa.
Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolka ayuu ka baxay, oo
nuurkiisa oo sii socda ayaan u jeeday.
Markaasaan aniguna ka daba baxay oo aan jasiiraddi koowaad ugu tegey isagoo ay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, raggii faraha badnaa ay la fadhiyaan.
201
Riyadaas, ahaydna marka afaraad oo aan Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬riyo ku arkay,
intaas ayay ahayd. Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman
kathiiran.
War hooy! Qof aan dambaabini ma jiro, qofka ka tawbad keenana Ilaahay waa jecel yahay
waana ka aqbalaa, ee dambiyadiinna ka tawbad keena.
Sidaasuu kitaabkaan noogu dhammaaday, waxaanna ku gunaanadaynnaa annago leh:
‫ وأشهد أن الإله إال هللا وحده الشريك له‬،‫ و أستغفره وأتوب إليه‬،‫ أستعينه وأستهديه‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي‬،‫وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
‫على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا إبراهيم وبارك على سيدنا محمد وعلى‬
.‫آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا إبراهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد‬
202
203
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu ku dashay Gaalkacyo degmadaasoo uu aabihiis
qaalli ka ahaa, dayrtii la magac baxday Hoobaaq. Hoobaaq waa beel daaqsiin ah oo ka mid ah
dooxada Golol, halkaasoo ay eedi ku kala gaartay labada qabiil ee Cumar Maxamuud iyo Sacad
dayrtaas, eedaasoo bilaabatay 1943 socotayna ilaa 1944. Xasanweli wuxuu u dhashay Shiikhaal
Looboge, oo ah Quraysh, ayagoo ah ubadka Abuu Bakar Al Ssddiiqu, Saaxiibka iyo ina adeerka
iyo soddogga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Looboge aabihiis Fiqi Cumar
wuxuu ku noolaa Boqortooyada Harar siday u warisay tirada lix boqol iyo sagaal iyo afartan ee
wargeyska dalka Sucuudiga kasoo baxa ee la yiraahdo Al Muslimuuna, soona baxay maalinta
Jimce ee toddobada bisha Rabiicu al Awwal ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo
sideed iyo toban, una dhigantah kow iyo tobanka bisha Luulyo ee sanadka kun iyo sagaal boqol
iyo toddoba iyo sagaashanka, boggiisa tobanaad. Yuusuf Cabdu Al Raxmaan Shiikh oo
maqaaladaas qoray wuxuu ku yiri: "Kaddib markay saliibiyiinta krishtaanka ahi ay gacanta ku
dhigeen Bayti Al Maqdis, dhammaadka qarniga shan iyo tobnaad ee Miilaadiga ah iyo
dhammaadka kan shanaad ee Hijriga, ayna ku sugnaadeen Shaam, ayna gacanta ku dhigeen
Khaliiju Al Caqabah ee ku dara Badda Cas, ayay krishtaanku waxay raadiyeen cid ay is
gaashaanbuursadaan, oo Badda Cas xagga koofureed uga goysa. Markaasey waxay heleen
xabshada krishtaanka ah oo ay markaas gaashaanbuur la noqdeen, ayna kula heshiiyeen inay iska
kaashadaan la dagaallanka islaamka iyo muslimiintaba, kuna gaaray taas inay xabashadu kusoo
duusho oo ay qabsato Boqortooyada Islaamka ee Harar, taasoo gogol dhig u noqoneysa ku
duulidda Xijaaz iyo duminta Kacbada la Sharfay. Sidaas ayayna ku heshiiyeen. Markaasey
xabashadu waxay kusoo duushay Harar, waxaana usoo baxay oo ka hortegey Al Shiikh Abaadir
oo soomaalidu u taqaanno Fiqi Cumar, ahna aabaha dhalay Aw Qudhub. Markaasuu Amiir
Cumar bin Shamsu Al Ddiin (oo ah Fiqi Cumar) si xun u jebiyay oo ka adkaaday. Markaasey
xabshadu waxay ka gargaar iyo gurmad dalbeen gaashaanbuurtooda krishtaanka ah. Qaylo
dhaankoodaas waxaa kasoo jawaabay Richard the Lion-heart oo ahaa boqorka ingiriiska, ahaana
maareeyaha hawlaha ka socday bariga dhexe "Bariga Carabta". Richard wuxuu soo diray
ciidammadiisa ka kooban burtuqiis iyo talyaani, si ay xabashada ugu gargaaraan. Ciidammadaani
waxay gacanta ku dhigeen oo qabsadeen dekadaha ay Harar lahayd oo ah Zaylac iyo Barbara iyo
Bulaxaar, kuwaanoo hadda ku yaalla gobolka waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Ciidammadaasu waxay soo gaareen ilaa dusha magaalada Harar. Markaasey Imaarada Makkah
Al Mukarramah iyo Yaman ayay waxay Harar usoo direen ciidammo gurmad ah. Sidaas ayay
ciidammada Islaamku uga adkaadeen kuwa krishtaanka ah, uusanna krishtaamiinta Shaam uga
laaban hal askariba ha ahaadee, ayadoo dhammaantood lagu laayey inta u dhexeysa Harar iyo
Muqdisho iyo Barbara. Muqdisho waxay Harar usoo dirtay gurmad ahaan fardo iyo hub."
Xasanweli wuxuu 1970 ka qalin jebiyay Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu
ku bartay takhtarnimada xoolaha. Kaddib wuxuu noqday macallin Dugsiga Sare ee Xasan
Barsane ee Muqdisho, Macallin Kulliyada Daawada Xoolaha ee Jaamacadda Qaranka
Soomaaliyeed, Xildhibaan Golaha Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee
Dawlado Yurub ah, kaddibna wuxuu ku wareegay Jaamacadda Dawladaha Carabta, uuna noqday
Danjireheeda Kenya, iyo Danjireheeda Qarammada Midoobay ee Vienna. Kaddib wuxuu soo
204
degay USA, wuxuuna noqday Macallin Dugsiga Sare ee English High School ee Boston, Baare
Shareecada Islaamka ee Islamic Legal Studies Program ee Harvard Law School ee Harvard
University ee Cambridge. Siirada Ibnu Hishaam ayuu soomaali ku tarjumay 180 cajaloodna ku
duubay. Kaddib wuxuu ilaa sideed sano ka ahaa imaam masjidyada xabsiyada ku yaalla gobolka
Massachusetts oo ay Boston caasimadda u tahay ee dalka maraykanka, halkaasoo uu dadka
xabbisan ku salaadana tujin jiray, barina jiray diinta islaamka, hortiisana ay ku islaameen khalqi
badan oo rag iyo dumarba leh, uuna shahaadada xaqqa ah u mariyay, mahaddana Ilaahay ayaa
iska leh. Kaddib wuxuu ku dhigay ”Siirada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam” toddoba iyo labaatan mujallad. Kaddibna kitaabkaas Siirada ayuu lix mujallad isugu keenay
una bixiyay ”Nuurka Quluubta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.” Wuxuuna allifay
kutubbo kale oo ay ka mid yihiin ”Haweenka iyo Caruurta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam”; iyo ”Qisooyinka Anbiyada”; iyo ”Taaruukhda Makkah Al Mukarramah iyo
Masawirradeeda” oo hal mujallad; iyo ”Ziyaaro Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
Aalihi Wa Sallam” iyo taariikhda Al Madiinah Al Munawwarah iyo Masawirradeeda oo hal mujallad ah.
Wuxuu kaloo allifay kutubbo ku dhigan afka ingiriiska oo Siiro, Axkaam iyo taariikhba leh.
Hadda wuxuu ku nool yahay dalka maraykanka, Allaha ku ilaaliyee.

Similar documents