Nuurka Quluubta

Transcription

Nuurka Quluubta
1
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka koowaad/waana lix juz
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
2
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka koowaad/waana lix juz
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
3
Waalidiinta Nabiga
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
4
Tusmada Juzka Koowaad
Tusmada
Bogga
1.Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim
5
2. Haashim bin Cabdu Manaaf
80
3. Qusayy bin Kilaab
138
4. Quraysh bin Maalik
222
5. Siduu Ilaahay u sharfay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
260
6. Tusmada guud ee lixda juz
360
5
Taxanaha
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(Laba)
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
awoowihiis
Cabdu Al Mudh-dhalib
‫عبد المطاب بن هاشم‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xussen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
6
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
Tusmada kitaabka
1. Araarta dhigaha kitaabka
2. Shaybatu bin Haashim
3. Cabdu Al Mudhalib iyo adeerkiis Al Mudhalib
4. Cabdul Mudhalib oo uu Al Mudhalib Makkah Al Mukarramah keenay
5. Al Multazam
6. Alabaabka Kacbada
7. Furaha albaabka Kacbada
8. Qufulka albaabka Kacbada
9. Cabdu Al Mudhalib
10. Asxaabu al Ukhduudi
11. Asalka Diinta yuhuudda ee Yaman
12. Gumaysiga Xabashada ee Yaman
13. Amarka maroodiga
14. Sababta uu Abraha Kacbada ugu duulay
15. Thuu Nafri iyo Nufayl
16. Thaqiif iyo Abraha
17. Abuu Righaal iyo qabrigiisa la dhagaxyeeyo
18. Tilmaamidda qabriga Abuu Righaal ee Al Balaadii
19. Al Sharaa’ic\Xunayn
20. Noolaynta Sunnada
21. R’asu Judcaan
22. Waan rajmiyay qabriga Abuu Righaal Allaha lacnadee
23. Cabirrada masaafada u dhexeysa R’asu Judcaan iyo Al Sharaa’ic/Xunayn
24. Masaafada u dhexeysa Kacbada Sharfan iyo R’asu Judcaan
25. Sugidda R’asu Judcaan
26. Cabdul Mudhalib geela laga soo dhacay
27. Cabdu Al Mudhalib iyo ergayga Abraha
28. Ragga Cabdu Al Mudhalib Abraha uga shafeeco qaaday
29. Kulanka Cabdu Al Mudhalib iyo Abraha
30. Cabdu Al Mudhalib oo Ilaahay gargaar waydiisanaya
31, Nufayl iyo Maxmuud
32. Abraha iyo maroodiga, Waadii Muxassir iyo Makkah Al Mukarramah
33. Dhagaxda
34. Amxaaro waa la halaagay
35. Bakhtiga amxaarada
36. Cadaabta Abraha
37. Amxaaro waxay Makkah keentay cudurrada furuqa iyo jadeecada
38. Amxaaro waxay Makkah keentay geedo aan waxtar lahayn
39. Quraanka kuwa maroodiga watay kasoo degay
40. Siday Carabi Quraysh u waynaysey maroodiga kaddib
41. Waadii Muxassir
42. Buurta Jabalu Abii Qubays
Bogga
6
8
10
13
14
15
23
23
25
26
26
27
28
28
30
30
31
30
32
32
33
34
35
36
37
37
39
39
40
41
42
43
44
45
45
46
46
47
47
47
47
48
50
7
43. Cabdul Mudhalib oo wiil magan geliyay
52
44. Carafaat
54
45. Jabalu Al Raxmah
56
46. Masjidu Al Ssakhraati
58
47. Masjidu Namirah
59
48. Kitaabka “Al Shajarah Al Nabawiyyah fii Nasabi Khayri Al Bariyyah”
60
49. Cabdul Mudhalib Walaalihiis
60
50. Ilmaha Cabdul Mudhalib
61
51. Al Cabbaasu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
61
52. Ilmaha Al Cabbaasu, ilma adeerrada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 63
53. Abuu Dhaalib, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis`
65
54. Ilmaha Abuu Dhaalib, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 66
55. Diraaru, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
67
56. Abuu Lahab, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiisa
67
57. Ilamha Abuu Lahab, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
67
58. Al Muqawwamu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
68
59. Ilmaha Al Muqawwamu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
68
60. Cabdu Al Kacbah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
68
61. Xamzah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
68
62. Ilamaha Xamzah, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
70
63. Al Zzubayru, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
70
64. Ilmaha Al Zzubayru, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
70
65. Al Xaarithu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
71
66. Ilmaha Al Xaarithu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
71
67. Qutham, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
72
68. Xajlu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
72
69. Ilmaha Xajlu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
72
70. Al Ghaydaaqu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis
72
71. Eedooyinka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
73
72. Caatikah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis
73
73. Ilmaha Caatikah, ilma eedada eedad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
73
74. Umaymah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda
73
75. Barrah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis
74
76. Ilamaha Barrah, ilma eedada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
75
77. Safiyyah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda
75
78. Ummu Xakiim, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda 76
79. Arwaa, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis
76
80. Dhimashada Cabdul Mudhalib
77
8
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa
Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini.
‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره‬.‫بإحسان إلى يوم الدين‬
.‫الغافلون‬
Kitaabkaan Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬oo sideetan qaybood ka kooban, waa kii labaad
ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiirta
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir Caashuur\‫ طاهر عاشور‬iyo
kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\‫البخاري‬,
Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( إبن هشام‬oo
dhintay laba boqol saddex iyo tobanka sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf \‫الروض األنف‬ee Al
Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo
dhintay saddex boqol iyo toban Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar
iyo toddobaatan Hijriga), Al Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan
Hijrig), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al
Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii ‫القاضي اإلمام حسين بن‬
\‫( محمد بن الحسن الدياربكري‬oo dhintay sagaal boqol iyo lixdan Hijriga), Al Imaam Calii bin
Burhaanuddiin Al Xalabii\‫( اإلمام علي بن برهان الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan Hijriga),
Al Qadii Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan Hijriga), iyo Cabdul
Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, oo dhowaan dhintay, iyo Muxammad Ridaa
\‫ محمد رضا‬iyo kuwo kaleba.
Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee
Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam \‫سيرة إبن هشام‬, Al Rawdu Al
Unuf\‫ الروض األنف‬iyo Muxammadun Rasuulullaahi\‫محمد رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ee Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, oo midkaan dambe uu
yahay kitaabka laga sameeyey taxanaha televisionka laga sii daayo oo isla magacaas leh.
Waxaan u arkay inaan taxane ka dhigo, intuu noqon lahaa hal kitaab oo wayn, ayna noqdaan
kutubbo yaryar oo si sahal ah loo akhrisan karo. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan
sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo.
Kitaabkaani aan hadda gacanta ku haynno oo cinwaankiisu yahay Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬waa kii labaad ee taxanahaas.
Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬
uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo
Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal.
Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa,
9
waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo
labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba noogu kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona
wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Jimce, 29 ka Jamaadul Uulaa\‫ جماد األولى‬1423/9 ka Agoosto 2002
10
Shaybatu bin Haashim\‫شيبة بن هاشم‬
Haashim bin Cabdi Manaaf\‫ هاشم بن عبد مناف‬wuxuu ahaa sayyidka Quraysh\‫ قريش‬iyo
hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬, isaagana jideeyey labada Rixlo\‫ رحلة‬ama Safar ee Quraysh\‫قريش‬
oo uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa \‫ هللا سبحانه وتعالى‬xusay Suuratu Quraysh\‫سورة قريش‬.
Haashim\‫ هاشم‬oo Safarka Jiilaalka xagga waqooyi u hoggaaminaya ayaa, siday caadadoodu
ahayd, wuxuu ku hakaday Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬oo dariiqooda ku tiillay.
Markaasuu wuxuu suuqa daraftiisa ku arkay haweeney qurxoon, oo halkaas badeecado ay
ayadu lahayd ka ganacsanaysa.
Markaasuu Haashim‫ هاشم‬usoo dhowaaday oo uu raggii meeshaas joogay wuxuu waydiiyay:
"Waa tuma haweentu?",
waxayna ku yiraahdeen:
"Waxaa la yiraahdaa Salmaa bintu Camr\‫سلمى بنت عمرو‬."
Wuxuu yiri:
"Yay u dhalatay?",
waxayna yiraahdeen
"Reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar\‫بني عدي بن النجار‬."
Intaas kaddib Haashim‫ هاشم‬warka haweentaas ayuu goobay, wuxuuna ogaaday inay u dhixi
jirtay ninka la yiraahdo Uxayxatu bin Al Julaax\‫أحيحة بن الجالح‬, ayna u dhashay laba wiil oo la
kala yiraahdo Camr bin Uxayxata\‫ عمرو بن أحيحة‬iyo Macbad bin Uxayxata\‫معبد بن أحيحة‬, uuna
isagoo qabah ka dhintay.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay inay Salmaa\‫ سلمى‬Uxayxata\‫ أحيحة‬guursatay kaddib markuu
Haashim‫ هاشم‬ka dhintay, oo ay markaas labadaas wiil u dhashay.
Wuxuu kaloo ogaaday inay dadkeeda dhexdiisa sharaf iyo madaxtinnimaba ku leedahay, oo
sidaas daraadeed ayan ninna guursanayn jeer uu oggolaado inuu xariggeedu ayada gacanteeda
ku jiro, oo markaas hadday ninka kahato ay iska furayso.
Haweentaas magaceeda oo buuxa waxaa weeye Salmaa bintu Camr bin Zayd bin Labiid bin
Khidaash bin Caamir bin Ghanm bin Cadiyyi bin Al Najjaar ‫سلمى بنت عمرو بن زيد بن لبيد بن خداش‬
\‫بن عامر بن غنم بن عدي بن النجار‬.
Salmaa hooyadeed waa Cumayrata bintu Dahr (waa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku
xigah) bin Xabiib bin Al Xaarith bin Thaclabah bin Maazin bin Al Najjaar ‫عميرة بنت ضهر بن حبيب‬
\‫بن الحارث بن ثعلبة بن مازن بن النجار‬.
Cumayrata\‫ عميرة‬hooyadeedna waa Salmaa bintu Cabdul Ash-hal Al Najjaariyyata ‫سلمى بنت عبد‬
\‫األشهل‬.
11
Haashim‫ هاشم‬haweentaas ayuu guursaday waxayna u dhashay wiil ay foodda timaha
madaxiisu cirro cad leeyihiin. Markaasey waxay wiilkaas u bixisay Shaybah\‫شيبة‬, oo
macneheedu yahay Cirro.
Haashim‫ هاشم‬wuxuu kusoo laabtay Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, wiilkiina ayaduu uga
soo tegey, isagoo uu sidaas Haashim‫ هاشم‬isku xiray, markuu haweentaas reer Banii Cadiyyi
bin Al Najjaar\‫ بني عدي بن النجار‬guursaday, madaxdii Cadnaan\‫عدنان‬, oo ay Qurayshi\‫ قريش‬ku
abtirsato, iyo madaxdii Qaxdhaan\‫قحطان‬, oo ah Carabta Yaman\‫يمن‬, oo ay Aws\‫ األوس‬iyo
Khazraj\‫ الخزرج‬ku abtirsadaan.
Sidoo kale, wuxuu Haashim‫ هاشم‬isku xiray Makkah Al Mukarramah‫ مكة المكرمة‬oo uu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhashay lagana soo saaray oo Rasuul ahaan
insiga iyo jinnigaba loo diray, iyo Al Madiinah Al Munawwarah \‫ المدينة المنورة‬oo uu usoo
haajaray si uu Risaalada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, dadka ugu
gudbiyo, ayagoo ay Ansaarta\‫ األنصار‬Al Madiinah\‫ المدينة‬cawn iyo cudud u yihiin.
Haashim‫ هاشم‬isagoo Safarka Quraysh\‫ قريش‬hoggaaminaya ayuu Ghazzah\‫ غزة‬ee arliga
Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku dhintay oo lagu duugay, isagoo wali nin dhallinyaro ah ah.
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬wuxuu kitaabkiisa taariikhda ee Al Bidaayatu wa Al Nihaayatu ‫البداية‬
\‫ والنهاية‬juzka labaad, bogga laba boqol shan iyo soddon ku wariyay inuu:
"Haashim‫ هاشم‬isagoo Safarka Quraysh\‫ قريش‬wada uu Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬maray, uuna ku degay guriga ninka la yiraahdo Camr bin Zayd bin Labiid bin Xizaam
bin Khidaash bin Khandaf bin Cadiyyi bin Al Najjaar Al Khazrajiyyi Al Najjaariyyi ‫عمرو بن زيد‬
\‫بن لبيد بن حزام بن خداش بن خندف بن عدي بن النجار الخزرجي النجاري‬, oo tolkiisa madax u ahaa.
Markaasuu wuxuu u bogay gabadha uu ninkaasi dhalay, magaceeduna ahaa Salmaa \‫سلمى‬.
Markaasuu ka doonay, aabeheedna, intuu siiyay u guuriyay.
Gabadha aabeheed wuxuu guurkaas ku xiray hal shardhi oo ah inay gabadhiisu agtiisa
degganaato. Waxaa kaloo la yiri wuxuu shardigu ahaa inayan ku dhalin meel kale oo aan isaga
agtiisa ahayn ee magaalada Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Markuu Haashim‫ هاشم‬gabadhaas guursaday wuxuu u watay oo ay u raacday Safarkiisii
Quraysh\‫ قريش‬oo uu Shaam\‫ الشام‬u waday. Markuu Shaam\‫ الشام‬kasoo noqday wuxuu
gabadhaas usii watay Makkah Al Mukarramah\‫مكة المدرمة‬.
Markii xigtay oo uu Safarka Shaam\‫ الشام‬usoo baxay, ayuu Haashim‫ هاشم‬Salmaa\‫ سلمى‬soo
waday ayadoo uur leh wuxuuna uga tegey Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, isaguna
wuxuu aaday Shaam\‫ الشام‬iyo xagga Waqooyi.
Markuu Shaam\‫ الشام‬tegey ayuu Haashim‫ هاشم‬degmada Ghazzah\‫ غزة‬ku dhintay, oo lagu
duugay.
12
Salmaa\‫ سلمى‬waxay Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ku dhashay wiil, waxayna u
bixisay Shaybah\‫شيبة‬, kaasoo la joogay oo la noolaa reer abtigiis reer Banii Cadiyyi bin Al
Nnajjaar\‫ بني عدي بن النجار‬ilaa uu ka toddoba jirsado.
Markaasuu adeerkiis Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬u yimid, oo uu hooyadiis oo aan ka war qabin
wiilka Makkaah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬la aaday oo u watay.
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬lasoo galay isagoo ratigiisa xagga dambe ka saaran. Markay dadku
sidaas u arkeen ayay waxay Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬ku yiraahdeen:
"Midkaan kula socdana yuu yahay?"
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫"عبدي‬
Oo macnihiisu yahay:
"Waa addoon aan leeyahay."
Markaasey ugu hambalyeeyeen, ayna sidaas daraadeed wiilka magaciisu Shaybah \‫ شيبة‬ahaa
ugu yeereen Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, oo macneheedu yahay addoonka Al Mudhdhalib‫ المطلب‬, oo Cabdi wacnihiisu waa addoon.
Markaasaa Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo ay sidaas ugu yeereen waxay ka xoog badatay
magaciisii runta ahaa ee Shaybah\‫شيبة‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu noqday hoggaamiyaha ugu wayn ee Quraysh \‫قريش‬,
wuxuuna qaatay madaxtinnimadooda iyo sharaftoodaba."
Shaybah\‫ شيبة‬ayaa caruurta Haashim\‫ هاشم‬ugu da' waynaa, markuu aabihiis dhintayna wuxuu
ahaa kuray yar, hooyadiisna iyo reer abtigiisna kula nool Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫المنورة‬.
Salmaa\‫ سلمى‬waxay wiilkeeda Shaybah\‫ شيبة‬uga warrami jirtay aabihiis Haashim‫ هاشم‬iyo inuu
ahaa Madaxa Quraysh\‫ قريش‬iyo Hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬, waxayna uga warrami jirtay
wanaagga iyo fiicnaanta iyo gobannimada Quraysh\‫قريش‬.
Markaasuu wuxuu koray isagoo ku faanaya inuu Quraysh\‫ قريش‬u dashay, markuu
saaxiibbadiisa ay wada cayaaraan ka adkaadana adkaantiisaas wuxuu u nisbeeyaa oo uu sabab
uga dhigaa oo uu ku tiriyaa inuu Quraysh\‫ قريش‬u dhashay.
Sidaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬caruurnimadiisa iyo kuraynimadiisaba wuxuu
la joogay reer abtigiis Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬deggan, halkaasoo uu
yuhuudda magaaladaas deggan ka maqli jiray ayagoo ka hadlaya Ilaahay iyo akhbaarta ku
dhignayd Kitaabka Tawraadda\‫ التوراة‬ah, kama uusanse maqli jirin Bacthiga iyo isi soo saaridda
ah dhimasho dabadeed iyo maalinta aakhiro iyo xisaabtanka maalintaas, ayadoo ay yuhuuddu
13
aamin sanyihiin in qofka camalkiisa adduunkaan looga abaal mariyo, ayna ayaga keligood
yihiin kuwa jannada gelaya. Caqiidadaas beenta ah waxay yuhuuddu Kitaabka
Tawraadda\‫ التوراة‬ah ay ayaga laftoodu gacnohooda ugu dhigeen markay arliga Baabil\‫ بابل‬ee
dalka Ciraaq\‫ عراق‬addoommada ku ahaayeen, isagoo Boqorkii dalkaasi oo ahaa Bukhtunassar
\‫ بختمصر‬Dawladdoodii arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ka dhisnayd dagaal uga adkaaday oo uu
burburiyay, Baytul Maqdisna\‫ بيت المقدس‬gubay oo uu dab qabadsiiyay, dadkiina uu
addoonnimo arligiisa Baabil\‫ بابل‬ugu kaxaystay. Yuhuuddu waxay caqiidadoodaas xun kasoo
guuriyeen Baabiliyiinta oo sidaas aaminsanaa.
Cabdu Al Mudh-dhali\‫ عبد المطلب‬iyo adeerkiis Al Mudh-dhalib‫المطلب‬
Maalin Maalmaha ka mid ayuu Shaybah\‫ شيبة‬wuxuu soo raacay wiilashii saaxibbadiis ahaa,
markaasey waxay ku tartameen nishaabka fallaaraha, isagoo uu midkoodba qaansadiisa iyo
fallaarihiisaba watay. Markaasey wiilashii kale nishaabkii wada seegeen, oo ay la waayeen
bartii la nishaabayey oo sacab le'ekeyd. Waa cayaarta Xamar kabdhood laga yiraahdo oo kab la
nishaabo.
Shaybah‫ شيبة‬bartii la ganayey ayuu laba goor oo isku xigtah la helay, markaasuu wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay ina Haashim\‫هاشم‬, wiilka hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬."
Waxaa intaas caruurtaas cayaareysa korka ka fiirsanaya nin u dhashay reer Banii Al Xaarib bin
Cabdi Manaat\‫بني الحارب بن عبد مناة‬, kaasoo wiilka si fiican ugu kuur galay, oo wajigiisa ku
arkay nuur ka kaahaya, sida uu wajiga Haashim‫ هاشم‬nuur uga iftiimi jiray oo kale. Ninkaani,
intaas kaddib, wuxuu yimid Makkaah Al Mukarramah\‫مكة الكرمة‬, wuxuuna Haashim‫هاشم‬
walaalkiis Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬u sheegay inuu soo arkay wiilka walaalkiis oo ka kor maray
saaxiibbadiisa reer Banii Al Nnajjaar\‫بني النجار‬, wuxuuna ku yiri:
"Haddaad Shaybah\‫ شيبة‬arki lahayd, walaalkaa wiilkiisa oo agteenna ku sugan, waxaad arki
lahayd qurux iyo haybad iyo sharaf iyo madaxtinnimo. Waxaan arkay isagoo wiilasheenna
nishaabka fallaaraha kula tartamaya, markuu la helana oranaya: "Anigu waxaan ahay ina
Haashim‫هاشم‬, wiilka hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬."
Markaasu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬wuxuu yiri:
"Caawa intuusan habeenku dumin ayaan dhaqaaqayaa oo aan raadinayaa oo aan Makkah \‫مكة‬
keenayaa."
Ninkii wuxuu yiri:
"Kuma wado inay hooyadiis Salmaa\‫ سلمى‬iyo abtiyaalkiis kaa yeelayaan inaad soo wadatid."
Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬wuxuu ku yiri:
"Halkaas u dayn mayo, isagoo ka maqan oo seegan raadka iyo saameynta tolkiis iyo makaanka
uu isagu ku leeyahay iyo nasabkiisa iyo madaxtinnimadiisa."
Sidaas ayuu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬intuusan habeenku si fiican u dumin Makkah\‫ مكة‬kasoo
baxay oo uu Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬soo aaday.
14
Markuu Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬yimid ayuu goobay, kaddibna uu Shaybah
\‫ شيبة‬helay, wuxuuna ku yiri:
"Maandhow anigu waxaan ahay adeerkaa Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬, waxaanna u imid inaan
tolkaa kuu celiyo."
Shaybah\‫ شيبة‬wuxuu adeerkiis ku yiri:
"Tegi mayo jeer ay hooyaday ii oggolaato."
Markaasey is raaceen oo ay Salmaa\‫ سلمى‬u wada tageen, taasoo uu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬ku
yiri:
"Waxaan u imid inaan wiilka walaalkay beledkiisa iyo tolkiis u celiyo."
Salmaa\‫ سلمى‬waxay ku tiri:
"Kugu dari mayo, oo anigaa dhalay."
Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬wuu ku adkaystay, wuxuuna yiri:
"Noqon mayo isagoo ila socda mooyee, oo waa wiilka walaalkay, annaguna waxaan nahay
Guriga Madaxtooyada tolkeenna, isagana inuu beledkiisa ku nool yahay ayaa uga khayr badan
inuu halkaan degganaado. Meel kastoo uu joogana waa adiga wiilkaaga".
Salmaa\‫ سلمى‬waxay tiri:
"I daa waxaan kasoo fakarayaa saddex maalmoode."
Salmaa\‫ سلمى‬waxay goosatay inay yeesho waxa ay dan iyo maslaxad wiilkeeda ugu
sugantahay, taasoo ay ugu jirto inuu ehelkiisa iyo tolkiisa la noolaado, halkaasoo uu ka helayo
sharaf iyo cudud iyo mustaqbalba.
Markaasey Salmaa\‫ سلمى‬markuu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬u yimid waxay ku tiri:
"Waan kuu oggolaaday inaad qaadatid."
Markaasu Al Mudhalib‫ المطلب‬wuxuu wiilkii saaray ratigiisa, oo uu xagga isaga gadaashiisa ka
fariisiyay, isaguna uu xagga hore ka fariistay. Maalintaas ayaa ugu horreysay inuu Shaybah
\‫ شيبة‬agoon run ah oo kale noqday, isagoo aabihiisna uu hore u dhintay, hooyadiisna kasoo
tegey.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬oo Makkata Al Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬la keenay
Shaybah\‫ شيبة‬iyo adeerkiis Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬waxay soo mareen Qudayd\‫ قديد‬meesha la
yiraahdo, oo ku taalla xeebta Badda Cas, halkaasoo uu yiillay sanamka la oran jiray
Manaat\‫مناة‬, oo ay Quraysh\‫قريش‬, Aws\‫األوس‬, Khazraj\‫ الخزرج‬iyo Carab kaleba ay caabudi
jireen.
Mar duhurkii ah ayuu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬soo galay
isagoo ratigiisa fuushan, xagga dambena uu Shaybah\‫ شيبة‬ka fadhiyo, isagoo uu wajigiisa nuur
ka kaahayo. Dadku markuu arkay ayay waxay u maleeyeen inuu Shaybah \‫ شيبة‬yahay addoon
uu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬soo gatay, ayadoo waagaas addoommada looga ganacsan jiray sida
badeecadaha kale oo kale. Markaasey waxay Shaybah ‫ شيبة‬ku yiraahdeen: "Cabdu Al Mudhdhalib\‫"عبد المطلب‬, oo ah Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬addoonkiisa.
15
Markaasuu Shaybah‫ شيبة‬arrinkaas madaxa ka ruxay, isagoo diidan oo warkoodaas beeninaya.
Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬markuu ratiga fariisiyay oo uu kasoo degeyna wuxuu yiri:
"War maxaad leedihiin! Kani waa wiilka uu dhalay walaalkay Haashim\‫ هاشم‬oo aan Al
Madiinah\‫ المدينة‬ka keenay."
Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬wuxuu wiilka geeyey gurigiisa, wuxuuna haweentiisa u sheegay inuu
yahay wiilka walaalkiis Haashim, wuxuuna kula dardaarmay inay u roonaato oo ay wanaajiso.
Kaddib Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬wuxuu waday Shaybah‫شيبة‬, wuxuuna geeyey Suuqa,
halkaasoo uu dhar cusub uga gaday, kaddibna intuu dadka hor keenay ayuu wuxuu yiri:
"Dadow, kani waa Shaybah‫شيبة‬, wiilka walaalkay Haashim‫ هاشم‬, oo aan Al Madiinah\‫المدينة‬
kasoo celiyay."
Markaasuu Shaybah‫ شيبة‬dadka fiiriyay, waxayna arkeen quruxdiisa iyo haybaddiisa iyo inuu
wajigiisa nuur ka kaahayo, siduu uga kaahi jiray wajiga aabihiis Haashim‫ هاشم‬oo kale.
Magaca Shaybah‫ شيبة‬uma uusan kicin, oo waxay dadku u barteen oo ay ugu yeeri jireen, uuna
ku caan baxay Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu fariisan jiray Al Multazam\‫الملتزم‬, oo ah inta
udhexeysa albaabka Kacbada iyo Xajarul Aswadka\‫الحجر األسود‬, halkaasoo uu wax kula baran
jiray sida wax loo dhigo iyo xisaabtaba wiilasha Quraysheed\‫قريش‬.
Markuu Al Multazam\‫ الملتزم‬kasoo tagana wuxuu tegi jiray Daaru Al Nadwah\‫دار الندوة‬, ahaydna
daarta ay Qurayshi\‫ قريش‬talooyinkeeda ku goosan jirtay, umuurteedana ay ku maarayn jirtay.
Halkaas ayuu adeerkiis Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬ag fariisan jiray, isagoo dhegeysanaya odayada
Quraysheed\‫ قريش‬oo halkaas ku tashanaya, kana tashanaya umuuraha diintooda iyo
adduunkoodaba, mararka qaarkoodna ku doodaya oo ku murmaya, kaddibna inta badan ka
heshiinaya.
Al Multazamu\‫الملتزم‬
Al Multazam\‫ الملتزم‬waxaa la yiraahdaa inta u dhexeysa Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo
albaabka Kacbda, waana in laba mitir le'eg.
Cabdu Al Rrazzaaq\‫ عبد الرزاق‬wuxuu Musnadkiisa (Xadiithka 9047) Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬,
Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri:
".‫"هذا الملتزم بين الركن والباب‬
Oo macnihiisu yahay:
"Al Multazamkaan‫ الملتزم‬waa inta u dhexeysa Rukniga\‫ الركن‬iyo Albaabka".
Isanaadka Xadiithkaanna waa Saxiix\‫صحيح‬.
Al Multazam‫ الملتزم‬waxaa loogu bixiyay ayadoo uu dadku bartaas laazimo, oo uu in badan
joogo, kuna ducaysto, oo uu ku Alle Baryo.
16
Al Multazam‫ الملتزم‬waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo, waxaana loogu
ducaystaa sidatan:
Sunnadu waa in labada dhaban iyo laabta iyo labada dhudhun iyo labada calaacalood meeshaas
darbiga Kacbada ka mid ah lagu dhejiyo oo ayadoo sidaas la yahay la Alle baryo.
Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\‫عبد هللا بن عمرو بن العاص‬, Allaha raalli ka wada noqdee,
ayaa Kacbada ku dhawaafay, kaddibna labada Rakco oo dhawaafka tukaday, kaddibna Xajarul
Aswadka\‫ حجر األسود‬dhunkaday, markaas kaddibna wuxuu istaagay inta u dhexeysa Xajarul
Aswadka\‫ حجر األسود‬iyo Albaabka isagoo laabtiisa iyo labadiisa gacnood iyo dhabankiisa ku
dhejiyay darbiga Kacbada, kaddibna wuxuu yiri:
"Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaas yeelaya."
Waxaa Xadiithkaan wariyay Ibnu Maajah\‫إبن ماجة‬, kuna wariyay Sunankiisa, Baabka Al
Manaasik\‫باب المنسك‬, Xadiithka (2962). Waana Xadiith Xasan\‫ حديث حسن‬ah.
Abuu Al Zubayr\‫ أبوالزبير‬wuxuu yiri:
"Waxaan arkay Cabdu Allaahu bin Cumar\‫ عبد هللا بن عمر‬iyo Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬iyo Cabdu
Allaahi bin Al Zzubayr\‫عبد هللا بن الزبير‬, Allaah Raalli ka wada noqdee, oo halkaas laazimaya."
Xadiithkaanna waxaa lagu wariyay kitaabka Akhbaaru Makkah ee Al Faakihii\‫أخبار مكة للفاكهي‬,
tiradiisuna waa (233). Isanaadka Xadiithkuna waa Xasan\‫حسن‬.
Ibnu Cabbaas‫إبن عباس‬, Ilaahay isaga iyo aabihiisba raalli ka ka noqdee, wuxuu yiri:
‫ بشيئ إال ؤأى في حاجته بعض الذي‬-‫"إن ما بين الحجر والباب ال يقوم فيه إنسان فيدعو هللا –تعالى‬
".‫يحب‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qofka Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo Albaabka inta u dhexeysa istaagah oo Ilaahay
Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬shay ka barya waa kan illaa muraadkiisii wuxuu jecelyahay ka arka."
Al Faakihii\‫ الفاكهي‬ayaa Xadiithkaan ku wariyay kitaabkiisa Akhbaaru Makkah \‫أخبار مكة‬,
Isnaadiisuna waa Xasan\‫حسن‬, tiradiisuna waa (230).
Mujaahid\‫ مجاهد‬wuxuu yiri:
"Inta Rukniga\‫ الركن‬iyo Albaabka u dhexeysa waxaa la yiraahdaa Al Multazam\‫الملتزم‬, waana
yartahay qof halkaas Ilaahay wax ku waydiistay ama wax uga magan galay ee waa Kii siiyah."
Waa Xadiithka tiradiisu tahay (238), isnaadkiisuna yahay Saxiix\‫صحيح‬, Al Faakihina\‫ الفاكهي‬uu
ku wariyay kitaabkiisa Akhbaaru Makkah\‫أخبار مكة‬.
Macluumaadkaan Al Mulktazam\‫ الملتزم‬ku saabsan waxaan kasoo qaadannay kitaabka
Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\‫تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬, uuna
dhigay Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\‫د\محمد إلياس عبد الغني‬, oo xubin ka ah Guddiga
Kormeerka iyo Hubinta iyo Daabacaadda Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo lagu daabaco
Madbacada Boqor Fahd ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
17
Sunnadu waa in shan iyo toban meelood marka la xajjinayo lagu ducaysto, oo ducada lagu
aqbalo, waxayna kala yihiin:
(1) Marka la dhawaafayo,
(2) Al Multazamu,\‫الملتزم‬
(3) Al Miizaabu\‫ الميزاب‬hoostiisa, oo ah dhuunta Kacbada saqafkeeda biyaha roobka kasoo
qaadda oo dhulka kusoo shubta (dhuuntaas waxaa markii ugu horreysey dhistay Quraysh \‫قريش‬
markay Kacbada dhistay, waxaana la cusbooneysiiyay, markii u dambeysey kun afar boqol
toddoba iyo toban Hijriga, macdanta ay ka samaysantahayna dahab lagu dheehay. Dhererkeedu
waa laba mitir iyo saddex iyo konton sentiimitir. Inta darbiga Kacbada ku dhex jirta waa sideed
iyo konton sentiimitir. Inta darbiga kasoo baxsanna waa hal mitir iyo shan iyo sagaashan
sentiimitir. Dhuunta taaggeedu waa saddex iyo labaatan sentiimitir, ballaceeduna waa lix iyo
labaatan sentiimitir. Waxaa korkeeda ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi Yaa Allaahu\.‫) بسم هللا الرحمن الرحيم – يا هللا‬
(4) Kacbada dhexdeeda,
(5) Ceelka Zamzam\‫زمزم‬,
(6) Buurta Al Saffaa\‫ الصفا‬dusheeda,
(7) Buurta Al Marwata\‫ المروة‬dusheeda,
(8) Inta Sacyiga\‫ السعي‬lagu jiro oo labadaas buurood loo kala socdo,
(9) Maqaamu Ibraahiimu\‫ مقام إبراهم‬gadaashiisa,
(10) Banka Carafaat\‫عرفة‬,
(11) Al Muzdalifatu\‫المزدلفة‬,
(12) Minaa\‫منى‬,
(13) Marka Jamratul Uulaa\‫ الجمرة الآلولى‬la dhagaxyeynayo,
(14) Marka Jamratul Wusdhaa\‫ الجمرة الوسطى‬la dhagaxyeynayo,
(15) Marka Jamratul Caqabah\‫ جمرة العقبة‬la dhagaxyeynayo.
Sidaas waxaan kasoo guurinnay labada Kitaab ee Imaam Al Nawawii\‫ النووي‬ee Manaasiku Al
Xajji\‫ مناسك الحج‬iyo Al Majmuuc\‫المجموع‬, Allaha u naxariistee.
Waa intaas warka Al Multazam\‫الملتزم‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬sidaas ayuu isagoo kuray ah wuxuu ku bartay sida wax loo
maamulo iyo fananka kala duwan ee siyaasadda iyo agaasinkeeda. Xilliyada ganacsigana
suuqyada ayuu dhex socon jiray, oo uu daawan jiray badeecadaha laga kala keenay dalalka
Furus\‫فرس‬, oo ahayd Iiran, iyo Shaam\‫ الشام‬iyo Masar\‫ مصر‬iyo arliga Roomaanka iyo
Yaman\‫ يمن‬iyo Soomaaliya iyo arliga Xabashada\‫الحبشة‬, oo sidaasaa garadkiisu u ballaaran
jiray oo uu waasac u noqonayay.
Wuxuu u fiirsan jiray sida wax loo beego iyo sida wax loo miizaamo, iyo sida wax loo qiyaaso
iyo sida wax loo kala gato, oo sidaasuu wuxuu ku baranayey xisaabta iyo ganacsiga.
Wuxuu dhaagi jiray wararka dalalka kale ka yimid, oo sidaasuu shucuubta kala duwan ku
baranyay iyo dhaqankooda iyo taariikhdooda iyo xiriirka ay Dawladahaasi dhexdooda ka
leeyihiin. Xilliga Xajka Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu la shaqayn jiray adeerkiis Al
Mudh-dhalib\‫المطلب‬, kaasoo ay Haashim\‫ هاشم‬dabadiis usoo wareegeen Al Siqaayatu\‫السقاية‬
iyo Al Rifaadatu\‫الرفادة‬.
18
Sidaasuu adeerkiis ka caawini jiray cunno siinta xujayda iyo u gayntooda biyaha ayaga iyo
gaadiidkoodaba iyo xoolohoodaba intay Mina\‫ منى‬joogaan iyo ilaa ay Makkah\‫ مكة‬ka dhoofaan.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ogaaday inay sharaftaasu u sugnaan jirtay oo uu
lahaa aabihiis Haashim\‫هاشم‬, ayna isaga usoo wareegi doonto, maadaama uu isagu leeyahay
dhaxalka aabhiis.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬waxay saaxiibtinnimo iyo jeceyl dhex maray wiilashii kale
ee Quraysh\‫قريش‬, wuxuuna gaar ahaan saaxiib ahaan u doortay wiilka la yiraahdo Xarb bin
Umayyah bin Cabdu Shams\‫حرب بن أمية بن عبد شمس‬, kaasoo ayan kala tegi jirin, oo ay meel
walba isku raaci jireen, ayna Kacbada agteeda ku wada cawayn jireen, meelaha gabayada lagu
tirinayana isla tegi jireen oo ay dhegeysan jireen, suuqyada wax lagu kala ganacsadana wada
dhex gooshi jireen.
Xarb\‫ حرب‬waa Abuu Sufyaan\‫ أبوسفيان‬aabihiis, oo waa awoowaha Amiiru Al Mu'miniina
Mucaawiyah\‫أمير المؤمنين معاوية‬.
Sidaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬qiimaha lacagaha Roomaanka iyo kuwa Iiraan ku
kala bartay iyo sida la isugu sarrifo, iyo lacagaha Xabashada iyo midda Masr\‫مصر‬, iyo lacagaha
Boqorrada Al Xiirata\‫( الحيرة‬waana gobol maanta ka mid ah Ciraaq\‫ )عراق‬iyo kuwa Al
Ghassaasinata\‫ الغساسنة‬ee Shaam\‫ الشام‬iyo lacagaha Yaman\‫يمن‬.
Wuxuu kaloo bartay sida loo sameeyo heshiisyada ganacsiga, iyo faa'iidada ganacsiga iyo
ribadaba. Sidaas ayuuna ganacsiga si fiican ugu bartay.
Sidaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬ku koray, oo uu ku barbaaray, kuna noqday nin
toosan oo aan ku dhex dabaalan balwooyinka ay asaaggiisu ku dhex dabaalan jireen, sida
cabidda khamrada, haweenka aan suubanayn, iyo wixii la mid ahba.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu goostay inuu guursado, wuxuuna go'aansaday inuu
qabiilka wayn oo Hawaazin\‫ هوازن‬la yiraahdo oo miyiga degah ka guursado.
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬ka baxay oo uu u tegey ninka la yiraahdo Jundub bin Xujayr ‫جندب بن‬
\‫ حجير‬oo uu gabadhiisa Al Samraa'\‫ السمراء‬ka doonay, kaasoo ku farxay oo u guuriyay.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu Makkaah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬kusoo noqday
isagoo haweentiisa wata, taasoo uu gurigiisa dejiyay, waxayna u dhashay wiilkiisa Al Xaarithu
\‫الحارث‬.
Kaddib waxaa yimid xilliga Safarka Koofureed ee Yaman\‫يمن‬, waxaana hoggaamiyay Al
Mudh-dhalib\‫المطلب‬, kaasoo koofaartisu ahayd Al Fayd\‫( الفيض‬waa daadka korka dhibicda ku
leh oo saadka ku xigah), macneheeduna yahay deeqsiga.
Safarkii wuxuu Yaman\‫ يمن‬kasoo noqday isagoo uusan Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬la socon,
kaasoo arliga Yaman\‫ يمن‬kusoo dhintay, isagoo qariib ku ah, laguna aasay, siduu walaalkiis
19
Haashim\‫ هاشم‬Ghazzah\‫ غزة‬ee arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ugu dhintay isagoo qariib ku ah, oo
halkaas lagu duugay.
Markuu Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬dhintay ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu
doonay inuu la wareego xilalkiisii uu hayay, aabihiisna uu hore u lahaa una hayn jiray, kalana
ahaa Al Rifaadata\‫ الرفادة‬iyo Al Siqaayata\‫السقاية‬, waxaase ka hor istaagay adeerkiis
Nawfal\‫نوفل‬, aabihiis Haashim\‫ هاشم‬walaalkiis, oo isaga ka da' wayn, kana madaxsan,
damcayna inuu wiilka uu adeerka u yahay xilalkaas ka qaato.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬tolkiisa waydiistay inay adeerkiis uga hiilliyaan,
waxayse ku yiraahdeen:
"Adiga iyo adeerkaa idin soo dhex geli maynno."
Markaasuu abtiyaalkiis warqad u dhigay uu gabay ku tiriyay, uuna ku leeyahay:
‫يا طول ليلي ألحزاني وأشغالي \\ هل من رسول إلى النجاري أخوالي‬.1
‫يبني عديا و دينارا و مازنها \\ و مالكا عصمة الجيراني عن حالي‬.2
‫ عزيزا منيعا ناعم البال‬،‫قد كنت فيكم و ال أخشى ظلمة ذي \ \ظالم‬.3
‫حتى ارتحلت إلى قومي و أزعجني \\ عن ذاك مطالب عمي بترحال‬.4
‫وكنت ما كان حيا ناعما جذيال \\ أمشي العرضنة سحابا ألذيالي‬.5
‫فغاب مطلب في قعر مظلمة \\ وقام نوفل كي يعدو على مالي‬.6
‫إن أرى رجال غابت عمومته \\ وغاب أخواله عنه بال وال‬.7
‫أنحى عليه ولم يحفظ له رحما \\ ما أمنع المرء بين العم والخال‬.8
‫فاستنفروا وامنعوا ضيم ابن أختكم \\ ال تخذلوه و ما أنتم بخذال‬.9
‫مامثلكم في بني قحطان قاطبة \\ حي لجار و إنعام األبلح الغالي‬.11
‫أنتم ليان لمن النت عريكته \\ سلم و سمام األبلح الغالي‬.11
"1. Yaa Dhawla laylii li axzaanii wa ashghaalii/Hal min Rasuulin ilaa Al Nnajjaarii akhwaalii.
2. Yabnii Cadiyyan wa Diinaaran waa Maazinahaa/Wa Maalikan cismatul jiiraanii can xaalii.
3. Qad kuntu fiikum wa laa akhshaa thalamata thii/Thulmin, caziizan muniican naacimal baalii.
4. Xattaa irtaxaltu ilaa qawmii wa azcajanii/Can thaaka Mudhalibun cammii bi tirxaalin.
5. Wa kuntu maa kaana xayyan naaciman jathiilan/Amshii al ciradnata saxxaabaa li athyaalii.
6. Fa ghaaba Mudhalibu fii qacrin muthlimatin/Wa qaama Nawfal kay yacduu calaa maalii.
7. A'in ra'aa rajulan ghaabat camuumatuhu/Wa ghaaba akhwaaluhu canhu bilaa waalin.
8. Anxaa calayhi wa lam yaxfath lahu raximan/Maa amnacal mar'i baynal cammi wal khaali.
9. Fa istanfiruu wa amnacuu diima ibna ukhtikum/laa takhthaluuhu wa maa antum bi khaththal.
10. Maa mithlukum fii Banii Qaxdhaan qadhiibatu/Xayyun li jaarin wa incaamin wa ifdaali.
11. Antum liyaanun liman laanat cariikatuhu/Silmun wa simaamul ablaxi al ghaalii.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Tiiraanyada i haysa daraadeed iyo sidaan u mashquulay ayaa habeenkii ilaa dheeraaday/ Ee
ma jiraa ergay warqaddaan abtiyaalkay reer Al Najjaar aan ugu dhiibo.
20
2. Reer Banii Cadiyyi\‫بني عدي‬, iyo reer Banii Diinaar\‫بني دينار‬, iyo reer Banii Maazin ‫بني‬
\‫مازن‬/Iyo reer Banii Maalik\‫ بني مالك‬kuwaasoo aan ahaa jiiraankooda ay ilaaliyaan.
3. Adinkaan idinla noolaa anigoo aan thulmiga ka baqayn/Mid wax thulmiya, cududna leh aan
laga adkaan karin, la ilaaliyay farxadna ku nool.
4. Tan iyo intaan tolkey usoo bixitimay/Uuna isoo waday adeerkey Al Mudhalib\‫المطلب‬.
5. Kaasoo intuu noolaa aan si firfircoon u socon jiray/Yididiiladeyduna ay sarreeysay.
6. Markaasaa Al Mudhalib\‫ المطلب‬god gudcur ah lagu libriyay oo lagu duugay/Markaasaa
waxaa kacay Nawfal\‫ نوفل‬oo maalkeyga soo colaadiyay.
7. Aniguna waxaan u arkaa in nin adeerradiisna dhinteen/Abtiyaalkiisna ay ka fogyihiin
inuusan gargaare lahayn.
8. Markaasuu kusoo jeestay, riximkiina ma dhawrin/Yaa ka ilaalsan nin adeer iyo abti ku dhex
jirah.
9. Marka soo kaca oo ka daafaca ninka thulmiyay wiilka walaashiin oo la gardarreystay
oo/Xaqqiisa laga qaaday ee garabkiisa ha ka bixina, ma ihidin kuwa garabkiisa ka bexee.
10. Qaxdhaan\‫ قحطان‬intuu dhalay kuma jiro/ cid la magangalo oo adinka idinka nicmayn badan
oo idinka deeq badan.
11. Adinku waxaad u jilicsantihiin kuwa ayagu dabeecad jilicsan leh/ Waxaad tihiin nabaddoon
iyo fiidda timirta qaaliga ah ugu fiican.
Tarjumidda nuska dambe ee baytka kow iyo tobnaad shaki ayaa iiga jirah.
Reer abtigiis markay warqaddiisa heleen, ayaa waxaa Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬kasoo baxay sideetan nin oo dabado fuushan, uuna hoggaaminayo ninka la yiraahdo
Sacad bin Cadiyyi Al Najjaariyyi \‫سعد بن عدي النجاري‬, waxayna yimaadeen Makka Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Markuu khabarka imaatinkoodu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬gaaray, ayuu soo kacay oo
uu u yimid, kuna yiri:
".‫"المنزل يا خال‬
Oo macnihiisu yahay:
"Abti gurigeyga kusoo dega."
Markaasuu Sacad\‫ سعد‬wuxuu ku yiri:
"Degi mayo jeer aan Nawfal\‫ نوفل‬la kulmo."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ku yiri:
".‫"تركته جالسا في الحجر في مشايخ قريش‬
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaan ka soo tegey isago Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬odayo Quraysh\‫ قريش‬ah la fadhiya."
Markaasuu Sacad\‫سعد‬, oo ay la socdaan raggiisii reer Al Khazraj \‫الخزرج‬, soo kacay oo uu
21
Nawfal\‫ نوفل‬soo dul istaagay. Nawfal\‫ نوفل‬markuu Sacad\‫ سعد‬arkay ayuu wuxuu ku yiri:
"Waabarigiinnu ha suubanaado."
Waxay ku yiraahdeen:
"Waabarigaagu yuusan suubanaan ninyahow. Wiilka walaasheen oo aad dulmisay xaqqiisa sii."
Nawfal\‫ نوفل‬wuxuu yiri:
"Waan yeelayaa jecayl iyo karaamo aan idiin qabo daraadeed."
Sidaas ayuu Nawfal\‫ نوفل‬Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬xaqqiisa u siiyay, oo uu Al
Siqaayata\‫ السقاية‬iyo Al Rifaadata\‫ الرفادة‬ugu soo celiyay.
Kaddibna abtiyaalkiis reer Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬way gaddoomeen oo ay Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku noqdeen.
Nawfal\‫ نوفل‬markuu arkay inuu Cabdu Al Mudhalib‫ عبد المطلب‬reer abtigiis isku ilaaliyay oo ay
cudud u noqdeen, ayuu wuxuu isaguna xilfi iyo axdi reer Banii Haashim \‫ بني هاشم‬ka dhan ah
la galay reer Banii Cabdu Shams\‫بني عبد شمس‬.
Taasi waxay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬u geysay inuu isaguna xilfi iyo axdi la galo
qabiilka carbeed ee la yiraahdo Khuzaacah\‫خزاعة‬, oo ay rag ka mid ah intay Kacbada wada
galeen ay ku kala dhigteen warqad ay ku heshiinayaan inay isaga uga hiilliyaan ciddii soo
colaadisa.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khuzaacah \‫ خزاعة‬axdigaas iyo xilfigaas
waa la lahaa, sidaan ugu arki doonno markaan ka warbixinaynno Duullaanka iyo Heshiiska
Nabadeed ee Al Xudaybiyyah\‫ غزوة الحديبية‬in shaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬. Sidaas ayaa waxaa
Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda ku sugnaaday laba xilfi, ama kooxood, oo kala ah Xilfiga reer Banii
Cabdu Shams\‫ بني عبد شمس‬iyo Xilfiga reer Banii Haashim\‫بني هاشم‬.
Kaddib waxaa yimid xilliga Safarka Quraysh\‫ قريش‬ee waqooyiga, oo markaan u safray arliga
Ciraaq\‫عراق‬.
Waxaa Safarka hoggaamiyay Nawfal bin Cabdi Manaaf\‫نوفل بن عبد مناف‬, Cabdu Al Mudhdhalib‫ عبد المطلب‬adeerkiis aabihiis la dhashay, ahaana ninka raggii uu Cabdi Manaaf \‫عبد مناف‬
dhalay ka harayba.
Markuu Safarku gaaray beesha la yiraahdo Salmaan\‫ سلمان‬ee arliga Ciraaq\‫عراق‬, ayuu Nawfal
\‫ نوفل‬halkaas ku dhintay, isagoo halkaas qariib ku ah, siday walaalihiis arli ay qariib ku yihiin
ugu dhinteen, isagoo uu Haashim\‫ هاشم‬Ghazzah\‫ غزة‬ee arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku dhintay,
walaalkiis Al Mudhalibna\‫ المطلب‬uu beesha Radmaan\‫ ردمان‬ee arliga Yaman\‫ يمن‬ugu dhintay.
Walaalkiisa saddexaadna, oo ahaa Cabdu Shams\‫ عبد شمس‬Haashim\‫ هاشم‬dabadiis ayuu
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ku dhintay oo lagu aasay.
Cabu Allaahi bin Al Zibcaraa\‫ عبد هللا بن الزبعرى‬markuu Haashim\‫ هاشم‬dhintay, ayuu isagoo u
ooyaya wuxuu yiri:
22
.‫كانت قريش بيضة فتفقأت \\ فالمح خالصه لعبد مناف‬.1
.‫الخالطين فقيرهم بغنيهم \\ والظاعنين لرحلة األضياف‬.2
.‫ هلم لألضياف‬:‫والرائشين و ليس يوجد رائش \\ و القائلين‬.3
.‫عمرو العال هشم الثريد لقومه \\ قوم بمكة مسنة عجاف‬.4
1. Kaanat Qurayshun baydatan fa tafaqqa'at/Fa al muxxu khaalisuhu li Cabdi Manaafi.
2. Al khaalidhiina faqiirahum bi ghaniyyihim/Wa al thaaciniina li rixlati al adyaafi.
3. Wa al raa'ishiina wa laysa yuujadu raa'ishun/Wa al qaa'iliina: Halumma li al adyaafi.
4. Camr Al Culaa hashama al thariida li qawmihi/Qawmin bi Makkata musnitiina cijaafin.
Gabayda macnihhisu waxaa weeye:
"1. Qurayshi\‫ قريش‬waxaa weeye ukun, markaasey dillacday/Shaharkeeduna (waa inta hurdiga
ah oo ugu fiican) waa reer Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬.
2. Waana kuwa saboolkooda ku dhex dara hodankooda oo wax u wada qaybiya/Waana kuwa u
dhoofa labada Safar ee martida.
3. Waana kuwa dadka biyaha waraabiya, hadana ma jiro waraabiye/Waana kuwa yiraahda:
Kaalaya aan martida u tagnee oo aan marti soornee.
4. Camr Al Culaa\‫( عمروالعال‬waa Haashim\‫ )هاشم‬wuxuu qawmkiisa u googooyey
muufo/Qawmkiisoo Makkah\‫ مكة‬abaar adag ku heshay oo caatoobey.
Ninka la yiraahdo Madhruud Al Khuzaaciyyi\‫ مطرود الخزاعي‬oo geerida Al Mudh-dhalib\‫المطلب‬
u ooyayana wuxuu yiri (waana tixo gabay dheer ka mid ah):
.‫أربعة كلهم سيبد \\ أبناء سادة لسادة‬.1
.‫\\ مان و ميت بين غزاة‬-‫ميت بردمان وميت بسل‬.2
.‫\\ محجوب شرقي البنية‬-‫وميت أسكن لحدا لدي ال‬.3
"1. Arbacatun kulluhum sayyidun/Abnaa'u saadaatin li saadaatin.
2. Maytun bi Radmaan wa maytun bi Sal-/Maani wa maytun bayna Ghazzati.
3. Wa maytun uskina laxdan laday al/ Maxjuubi sharqiyyi Al Bunayyati."
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
"1. Waa afar kulligood hoggaamiyayaal ah, ahna ilmaha/uu dhalay hoggaamiye ay
hoggaamiyayaal dhaleen.
2. Midkood wuxuu ku dhintay Radmaan\‫( ردمان‬oo Yaman\‫ يمن‬ku taalla, waana Al Mudh-dhalib
‫)المطلب‬/Midna wuxuu mayd ku yahay Salamaan\‫( سلمان‬kuna taalla Ciraaq\‫عراق‬, waana
Nawfal\‫)نوفل‬,
Midna wuxuu mayd ku yahay Ghazzah\‫( غزة‬oo ku taal arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬, waana
Haashim\‫)هاشم‬
3. Iyo mayd la dejiyay luxud (waa qabri) dahsoon oo Kacbada Bari ka xigtah/ (waana
qubuuraha Al Xajuun\‫ الحجون‬ee Maakah\‫مكة‬, waana Cabdi Shams\‫)عبد شمس‬.
23
Albaabka Kacbada
Albaabka uu Kacbada u yeelay Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ayaa ahaa albaabka
ugu horreeya oo bir ah iyo dahab ah oo Kacbada la saaro, sidaan ku arki doonno markaan
ceelka Zamzam\‫ زمزم‬ka warbixinaynno inshaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Markuu Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, Kacbada dhisay, laba albaad ayuu u
yeelay oo iska soo horjeeda, dhulkana ku dheggan, oo midna qorrax kasoo bax ku yaallo,
oo ah dhinaca uu albaabkeedu hadda ku yaallo, midna galbeed ku yaallo, oo inta midka
hore laga soo galo midka dambe laga baxo. Labadaas irdoodba albaabbo ma saarnayn, oo
way iska bannaanaayeen, oo inta mid laga galo ayaa kan kale laga bixi jiray.
Kaddib Boqorka Yaman\‫ يمن‬oo la yiraahdo Ascad Tubbaca/‫ أسعد تبع‬Saddexaad ayaa u
yeelay albaab hal qalbac ah oo Kacbada lagu xiro, lana furi karo.
Kaddib, zaman dheer kaddib, markay Qurayshi\‫ قريش‬Kacbada dib u dhistay, isagoo Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas shan iyo soddon sano jiro, waqti
Nabinnimada shan sano ka horreysey, ayay albaabkii galbeed awdeen, midka barina ay
albaab labo qalbac ah u yeeleen, dhulkana ka kacsan, si uusan u gelin qof ay ayagu u
oggolaadeen mooyee, maadaama ay jaranjarada lagu gaaro albaabka iyo furaha irridda
lagu furo ay ayagu hayaan.
Hadda albaabka Kacbadu dhererkiisu wa saddex mitir iyo toban sentiimitir, ballaciisuna
waa hal mitir iyo sagaashan sentiimitir, cumuqdiisuna oo ah jirmigiisa waa konton
sentiimitir. Albaabku wuxuu dhulka ka kacsanyahay labo mitir iyo shan iyo labaatan
sentiimitir.
Kacbada gudeheedana waxaa ku yaalla albaab kale oo laga baxo marka saqafka Kacbada
la fuulayo. Albaabkaas waxa la yiraahdaa Baabu Al Ttawbah/‫باب التوبة‬, dhererkiisuna waa
laba mitir iyo soddon sentiimitir, ballaciisuna waa toddobaatan sentiimitir.
Hadda labadaas albaabba ee Kacbadu waxay ka sameysan yihiin dahab saafi ah oo
culayskoodu yahay laba boqol iyo sideetan kiilogram.
Furaha Albaabka Kacbada
Furaha albaabka Kacbada lagu furo, laguna xiro, dhererkiisu waa afartan sentiimitir, waxaana
lagu kaydiyaa kolay xariir ah oo dahab saafi ah lagu dheehay. Koleygaas sanad walba waa la
cusbooneysiiyaa.
Koleyga korkiisa waxaa ku dhigan Aayadda sideed iyo konton ee Suuratu Al Nisaa'i ‫سورة‬
\‫النساء‬, uuna Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوحل‬, ku yiri:
ِ ‫إِ َّن اللَّه يأْمرُكم أَن تُؤُّدوا ْاْلَم َان‬
ِ ‫الن‬
َّ ‫َهلِهَا َوِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن‬
‫َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل إِ َّن اللَّهَ نِ ِع َّما َي ِعظُ ُك ْم‬
ْ ‫ات إِلَى أ‬
ْ ‫اس أ‬
َ ْ ْ ُُ َ َ
َ
ِ ‫بِ ِه إِ َّن اللَّه َكان س ِميعا ب‬
)85( ‫ير‬
‫ص ًا‬
َ ً َ َ َ
24
"Inna Allaaha ya'murukum an tu'adduu al amaanaati ilaa ahlihaa wa ithaa xakamtum
bayna al nnaasi an taxkumuu bi al cadli nicimmaa yacithukum bihi inaa Allaaha Kaana
Samiican Basiiran(58)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu idin amrayaa inaad siisaan amaanada ehelkeeda iska leh, haddaad dadka kala
xukumaysaanna inaad caddaalad ku kala xukuntaan, oo Ilaahay wuxuu idinku waaninayaa
waxa wanaagsan, Ilaahayna waa Midka wax walbana maqla, wax walbana u jeeda(58)."
Maamulidda iyo u adeegidda Guriga waxaa gacanta ku hayay Nabi Ismaaciil \‫ إسماعيل‬,
Calayhissalaamu. Dabadiisn wiilkiisa Naabit\‫نابت‬. Naabit\‫ نابت‬kaddib waxaa xilkaas qabtay reer
abtigiis Jurham\‫جرهم‬, ayaga dabadoodna qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬, kuwaasoo hayay ilaa uu
xilkaasi kasoo galo gacanta Qusayyi bin Kilaabi\‫قصي بن كالب‬, awoowaha afaraad ee Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maalinta Makkah\‫ مكة‬la furta ee sanadka sideedaad ee Hijriga, ayuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, furaha albaabka Kacbada ka dalbaday ninkii hayey oo magaciisu
ahaa Cuthmaan bin Dhalxata\‫عثمان بن طلحة‬.
Markii loo keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada ayaa lagu furay, intuuna
dhexdeeda galay ayuu ku tukaday, kaddibna kasoo baxay.
Markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada kasoo baxay dadkuu la hadlay, ayagoo
Masjidka buuxiyxy, wuxuuna yiri:
‫"أال إن كل دم أو مال أو مأثرة كانت في الجاهلية فهي تحت قدمي هاتين إال سقاية الحاج وسدانة الكعبة‬
‫فإني قد أمضيتهما ألهلهما على ما كانتا عليه في الجاهلية فهي تحت قدمي هاتان إال سقاية الحاج وسدانة‬
َّ ِ
‫ْم ُرُك ْم‬
ُ ‫ " إ َّن اللهَ َيأ‬:‫ وتال قول هللا عز وجل‬،"‫ فإني قد أمضيتها ألهلها على ما كانتا عليه في الجاهلية‬،‫الكعبة‬
ِ
ِ ِ ِ َّ
ِ ‫أَن تُؤُّدوا ْاْلَم َان‬
َّ
ِ ‫الن‬
َّ ‫َهلِهَا َوِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن‬
‫ان‬
ْ ‫ات إِلَى أ‬
ْ ‫اس أ‬
َ ‫َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل إِ َّن اللهَ نع َّما َيعظُ ُك ْم بِه إِ َّن اللهَ َك‬
َ ْ
َ
ِ ‫س ِميعا ب‬
")85( ‫ير‬
‫ص ًا‬
َ ً َ
"Alaa inna kulla damin aw maalin aw ma'tharatin (tha saddex dhibcood kor ke leh) fii al
jaahiliyyati fa hiya taxta qadameyya haataani illaa al Siqaayata al Xajji wa Sadaanata Al
Kacbati, fa innii qad amdaytuhaa (waa daad dhibic kor ke leh oo saadka ku xiga) li ahlihaa
calaa maa kaanataa calayhi fii al jaahiliyyati", kaddibna wuxuu akhriyay "Inna Allaaha
ya'murukum an tu'adduu al amaanaati ilaa ahlihaa wa ithaa xakamtum bayna al naasi
an taxkumuu bi al cadli nicimmaa yacithukum bihi inaa Allaaha Kaana Samiican
Basiiran(58).". Xadiithka macnihhisu waxaa weeye: "Hooy, dhiig la kala galay kulligiis, iyo
maal la kala qabay kulligiis iyo wax la is dheeraa oo gooni loo lahaa kulligood, oo la isku
lahaan jiray zamankii jaahiliyada (oo Islaamka ka horreysey) labadeydaan cagood hoostooda
ayaan geliyay oo waa waxba kama jiraan intaan ahayn xilalka Al Siqaayata (oo ah waraabinta
xujayda biyaha Zamzam laga waraabiyo) iyo Al Sadaanata (oo ah u adeegidda Kacbada, sida
dayac tirkeeda, nadiifinteeda, furiddeeda, xiriddeeda, iwm.), labadaasoo aan u qiray oo ay
lahaanayaan kuwii lahaan jiray zamanka jaahiliyada". Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi
25
َّ ِ
ِ ِ
ِ َّ‫َهلِهَا وِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن الن‬
ُّ ْ ‫ْم ُرُك ْم أ‬
‫َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل‬
ْ ‫اس أ‬
ُ ‫إ َّن اللهَ َيأ‬Wasallam akhriyay
َ ْ ‫َن تُ َؤدوا ْاْل ََم َانات إلَى أ‬
ِ ‫إِ َّن اللَّه نِ ِع َّما ي ِعظُ ُكم بِ ِه إِ َّن اللَّه َكان س ِميعا ب‬
".)85( ‫ير‬
‫ص ًا‬
َ ً َ َ َ
َ
ْ َ
Kaddibna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yeeray Cuthmaan bin Dhalxatu
\‫عثمان بن طلحة‬, oo uu furaha albaabka Kacbada siiyay, wuxuuna yiri:
"‫"خذوها يا بني طلحة خالدة تالدة ال ينزعها منكم إال ظالم‬
"Khuthuuhaa (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah) yaa banii Dhalxatu
khaalidatan, taalidatan, laa yanzicuhaa minkum illaa thaalimun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qaata ubadka Dhalxow\‫طلحة‬, adinkaa waligiin haynayee, ayadoo uusan gacantiinna kala
baxayn mid thaalim ah oo gardaran mooyee."
Waxaana xadiithka wariyay Majmacu Al Zawaa'idi\‫ مجمع الزوائد‬3/285 iyo Tafsiirka Ibnu
Kathiir\‫تفسير إبن كثير‬, markuu Aayaddaas fasirayo.
Warkaas Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ubadka Dhalxatu\‫ طلحة‬u ahaa
bishaaro, oo wuxuu caddeynayaa inay jiri doonaan oo raggoodu jiri doonaan ilaa yawmul
qiyaamaha, uuna xilkaas sharafta badan uu siiyay Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬.
Markuu Cuthmaan bin Dhalxatu\‫ عثمان بن طلحة‬dhintay, waxaa xilkaas qabtay adeerkiis
Shaybatu\‫شيبة‬, isaga gadaashiisna wiilashiisa oo kala dhaxlah, loona yaqaanno Al
Shaybiyyiina\‫الشيبيين‬, kuwaasoo furaha albaabka Kacbada wali ilaa maanta haya, siduu Dr.
Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\‫ د\محمد إلياس عبد الغني‬ugu wariyay kitaabkiisa Taariikhu
Makkata Al Mukarramati qadiiman wa xadiithan\‫تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬, bogga sideed iyo
konton.
Qufulka albaabka Kacbada
Qufulka lagu xiro albaabka Kacbada dhererkiisu waa afar iyo soddon sentiimitir, dhinac
walbana ballaciisu waa lix sentiimitir. Dhinac walba waxaa ku jirta nuxaasta hurdiga ah oo
dhererkeedu sideed sentiimitir yahay, ballaceeduna laba sentiimitir yahay. Qufulka hadda
saaran waxaa la sameeyey kun saddex boqol sagaal iyo sagaashan Hijriga, loona sameeyey
siduu u samaysnaa midkii ka horeeyey ee la sameeyey cahdiga Suldhaankii Cabdu Al Xamiid
Al Cuthmaanii\‫ عبد الحميد العثماني‬markuu sanadku ahaa kun saddex boqol iyo sagaal. Waxaa
hadda qufulka dhinac uga dhigan: "Waxaa la sameeyey cahdiga Khaalid bin Cabdul Caziiz aali
Sucuud\‫ خالد بن عبد العزيز آل سعود‬sanadka kun saddex boqol sagaal iyo sagaashan Hijriga."
26
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu ahaa nin dheer oo cad oo dadka ugu qurxoon, uguna
waji qurxoon, uguna haybad wayn, oo qofkii arkaba uu ka haybaysto oo uu wayneeyo.
Waxaa la yiri inuu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ahaa ninka carbeed oo ugu horreeyey
oo timaha madaxiisa madoobeeya. Runtana Rabbi ayaa ogsoon.
Cumrigiisa inta u dambaysay Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu ka haray caabudidda
asnaamta, oo ma uusan caabudi jirin, sanad walbana bisha Ramadaan\‫ رمضان‬wuxuu geli jiray
oo uu dhexdeeda ku sugnaan jiray oo uu ku keliyeysan jiray godka la yiraahdo Ghaaru Xiraa'
\‫ غار حراء‬oo ku yaalla dusha buurta la yiraahdo Jabalu Al Nuur\‫جبل النور‬, oo saddex kiilomitir
Kacbada xagga Waqooyi Bari ka xigtah.
Hoggaan kitaabkaan ayaan uga warbixin doonnaa inshaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Asxaabu al Ukhduudi‫أصحاب األخدود‬
Reer Yaman\‫ يمن‬waxay ahaan jireen gaalo asnaam iyo dabka caabudda. Markaasaa waxaa
Gobolka Najraan\‫ نجران‬la yiraahdo ee Dalka Yaman\‫يمن‬
Diinta Nabi Ciise\‫عيسى‬,
Calayissalaamu, oo ah Diinta Islaamka, keenay nin la yiraahdo Faymiyuun\‫فيميون‬.
Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu ninkaas ku magacaabay Qaymi'uun\‫قيمئؤون‬.
Al Qutaybiyyu\‫ القتيبي‬wuxuu yiri:
"Waa nin aali Jafnata\‫ جفنة‬ah ee reer Ghassaan\‫( غسان‬Boqorrada Shaam\‫ )الشام‬oo Shaam\‫ الشام‬ka
yimid, markaasuu (reer Yaman\‫ )يمن‬Diinta Ciise‫ عيسى‬ku xambaaray."
Al Naqaash\‫ النقاش‬wuxuu yiri:
"Magaciisu waa Yaxyaa\‫يحيى‬, aabihiisna Boqor ayuu ahaan jiray, markaasuu dhintay.
Markaasey dadkiisu dooneen inay isaga Boqornimo u caleemo saaraan aabihiis kaddib.
Markaasuu diiday oo boqornimadaas kasoo cararay, oo uu dalba dal kale uga gudbi jiray,
isagoo aan arlina ku nagaadin (meeshuu tagana Diinta Islaamka geynaya).
Markaasuu kaddib Yaman\‫ يمن‬yimid, dadkiina ay karaamooyin badan ka arkeen, sida bogsiinta
bukaanka oo uu u Alle baryi jiray. Markaasey reer Najraan\‫ نجران‬Diinta Islaamka galeen,
waxaana Muslimiintaas Imaam iyo Madax u noqday nin la yiraahdo Cabdu Allaahi bin Al
Thaamir\‫( عبد هللا بن الثامر‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh).
Gobolka Najraan\‫ نجران‬waxay magaceeda ka qaadatay ninka la yiraahdo Najraan bin Zayd bin
Yashjub bin Yacrub bin Qaxdhaan\‫نجران بن زيد بن يشجب بن يعرب بن قحطان‬, oo ahaa qofka ugu
horeeyey oo halkaas degah.
27
Asalka diinta yuhuudda ee Yaman\‫يمن‬
Markaasaa waxaa Yaman\‫ يمن‬Boqor u noqday ninka la yiraahdo Zurcata bin Tubbaan Ascad
Abii Karib ibnu Kulkii (oo Karib\‫ كرب‬afka Ximyar\‫ حمير‬waa beeraaley) Karib bin Zayd ‫زرعة بن‬
\‫تبان أسعد أبي كرب إبن كلكي كرب بن زيد‬, koofaartiisuna tahay Thuu Nawaas\‫( ذونواس‬waa thaal kor
dhibic ku leh oo deelka ku xigah). Ninkaas waxaa Thuu Nawaas \‫ ذونواس‬loogu bixiyay isagoo
lahaa laba saymood ama raamood oo ah timaha madixiisa oo intuu isku tidcay, hadana uu laba
qaybood u qaybiyay oo ay madixiisa kasoo laadlaadaan, ayna garbihiisa taabanayaan oo
markuu isagu dhaqaaqo ay ayaguna dhaqaaqayaan, oo al nawsu\‫ النوس‬waa dhaqdhaqaaqa ay
ruxdaan wax soo laadlaada.
Markaasuu Boqorkaasu Diinta Yuhuudda galay, uuna Yuusuf\‫ يوسف‬la baxay. Markaasuu
Muslimiintii Najraan\‫ نجران‬degganayd kusoo duulay, ayagoo ayan yuhuuddu Nabinnimada
Nabi Ciise‫عيسى‬, Calayhissalaamu, aqoonsanayn, wuxuuna usoo jeediyay inay Diintooda ka
baxaan, ayna Diintiisa yuhuudiyadda ah soo galaan.
Markaasey ka diideen.
Markaasuu la dagaallamay, kana dhigay in uu seef ku dilo iyo inuu dab ku gubo. Wuxuu qoday
godad sida dhufaysyada u dheer, una fidsan, markaasuu qoryo inta ka buuxiyay uu dab ku
shiday, oo intuu Muslimiintii halkaas isugu keenay wuxuu ku yiri:
"Qofkii dambigiisa kasoo noqdah waan iska daynayaa, qofkaan kasoo noqonna dabkaan ayaan
ku tuuraynnaa."
Markaasey ayaguna diideen inay Diintooda Islaamka ka baxaan, isaguna u dabkaas ku dhex
daadiyay, oo ay sidaas Diintooda ugu dhinteen.
Waxaa Muslimiintaas ka mid ahayd haweeney wiil ay dhashay oo toddoba bilood jir ah siduu
Saxiix Muslim\‫ مسلم‬u wariyay, nuujineysa. Markaasey markay godkii iyo dabkii aragtay, ayay
walwashay oo ay cunuggeeda u kurbootay. Markaasuu wiilkeedaasi wuxuu ku yiri:
"Hooyoy ha walwalin, maxaa yeelay adigu xaqqa ayaad ku taagan tahay."
Markaasey dabkii ku booday, Ilaahayna, Midka Naxariista Badani, intayan dabkaba gaarin oo
ay hawada kusii jireen, waa Muslimiintoo idile, ayuu naftaba ka qabtay, oo uusan dabkuba
gubin. Allow u naxariiso Asxaabu al Ukhduudi\‫ أصحاب األخدود‬iyo Muslimiinta oo idilba.
Khabarkoodaasna waxaa nooga warrantay Suuratu Al Buruuji \‫سورة البروج‬, uuna Ilaahay, Cazza
wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ku yiri:
ِ
ِ
ِ ِ ‫ والس‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ٍ ‫اهٍد وم ْشه‬
ِ
‫اب‬
ُ ‫َص َح‬
ْ ‫) قُت َل أ‬3( ‫ود‬
ُ َ َ ‫) َو َش‬2( ‫) َواْل َي ْوِم اْل َم ْو ُعود‬1( ‫َّماء َذات اْلُب ُرو ِج‬
َ َ
ِ
ِ ‫الن ِار َذ‬
ِ ُ‫ات اْلوق‬
ِ ‫ُخ ُد‬
َّ )4( ‫ود‬
‫) َو َما‬7( ‫ود‬
ٌ ُ‫ين ُشه‬
ٌ ‫) إِ ْذ ُه ْم َعلَ ْيهَا قُ ُع‬8( ‫ود‬
ْ ‫ْاْل‬
َ ‫ون بِاْل ُم ْؤ ِمن‬
َ ُ‫) َو ُه ْم َعلَى َما َي ْف َعل‬6( ‫ود‬
َ
ِ ‫ك الس‬
ِ
ِ ‫ات و ْاْل َْر‬
ِ ‫َن ُي ْؤ ِمُنوا بِاللَّ ِه اْل َع ِز‬
‫ض َواللَّهُ َعلَى ُك ِّل َش ْي ٍء‬
ُ ‫) الَِّذي لَهُ ُمْل‬5( ‫يز اْل َح ِم ِيد‬
ْ ‫َنقَ ُموا م ْنهُ ْم إِ ََّّل أ‬
َ
َ ‫َّم َاو‬
ِ
ِ
َِّ
ِ ‫اب اْل َح ِري‬
‫) إِ َّن‬11( ‫ق‬
ٌ ‫َش ِه‬
ُ ‫اب َجهََّن َم َولَهُ ْم َع َذ‬
ُ ‫وبوا َفلَهُ ْم َع َذ‬
ُ ُ‫ين َواْل ُم ْؤ ِم َنات ثَُّم لَ ْم َيت‬
َ ‫ين فَتَُنوا اْل ُم ْؤ ِمن‬
َ ‫) إِ َّن الذ‬9( ‫يد‬
ِ ‫الَِّذين آَمُنوا وع ِملُوا الصَّالِح‬
)11( ‫ات تَ ْج ِري ِم ْن تَ ْحتِهَا ْاْل َْنهَ ُار َذلِ َك اْلفَ ْوُز اْل َكبِ ُير‬
ٌ ‫ات لَهُ ْم َجَّن‬
َ
ََ َ َ
28
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Wa al Ssamaa'i thaati al buruuji(1)Wa al
yawmi al mawcuudi(2)Wa shaahidin wa mash-huudin(3)Qutila asxaabu al
ukhduudi(4)Al Nnaari thaati al waquudi(5)Ith hum calayhaa qucuudun(6) Wa hum calaa
maa yafcaluuna bi al mu'miniina shuhuudun(7)Wa maa naqamuu minhum illaa an
yu'minuu bi Allaahi Al Caziizi Al Xamiidi(8)Al Lathii lahu mulku al Ssamaawaati wa al
ardi wa Allaahu calaa kulli sha'in Shahiidun(9)Inna al lathiina fatanuu al mu'miniina wa
al mu'minaati thumma lam yatuubuu fa lahum cathaabu jahannama wa lahum cathaabu
al xariiqi(10)Inna al lathiina aamanuu wa camiluu al ssaalixaati lahum jannaatun tajrii
min taxtihaa al anhaaru thaalika al fawzu al kabiiru(11)."
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi‫ بسم اهلل الرحمن الرحيم‬. Ilaahay wuxuu ku dhartay
Samada xiddigaha leh(1)Iyo maalinta la isu yaboohay (oo ah maalinta qiyaamaha)(2)Iyo dadka
Maalintaas halkaas soo istaagaya iyo waxyaalaha maalintaas la arki doono(3)Ee lacnadi ku
dhacdo kuwii godka lahaa (mu'miniinta lagu cathaabayay)(4)Ee ahaa naar waa dabee olol leh
(iyo shidaal)(5)Gaaladiina ay kor fadhiyeen godka(6)Aayagoo daawanaya waxa lagu falayo
mu'miniinta (oo imtixaan ah)(7)Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oo aan ahayn inay
rumeeyeen Ilaaha Adkaadah ee la mahdiyo(8)Oo leh Samada iyo Dhulka xukunkooda.
Ilaahayna wax walba wuu u jeedaa oo arkaa(9)Kuwa mu'miniinta rag iyo haweenba jirraba (oo
Diintooda ku imtixaana) hadana aan tawbad keenin, waxay mudan in lagu cathaabo jahannamo
iyo cathaabid gubtah(10)Kuwa xaqqa rumeeyey, camal suubanna falay, waxay mudan
jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, taasina waa liibaan wayn(11)." Waxaa muslimiinta
sidaas looga dilay labaatan kun oo qof.
Gumaysiga Xabashada ee Yaman\‫يمن‬
Markuu Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬Muslimiinta sidaas u laayey, ayay Muslimiin badani waxay u
qaxeen arliga xabashada, ayna wafdi u direen boqorka Rooma, ayna ku waydiisanayaa
taageero ay Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬kula dagaallamaan oo ay diintooda ku dafaacaan, ayadoo ay
Boqorka Rooma iyo Boqorka xabshada Al Najaashiyyu \‫ النجاشي‬ku andacoon jireen inay
raacsan yihiin diinta Nabi Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, ayanse Muslimiin ahayn ayse
krishtaan yihiin.
Ninka Muslinka ah oo labadaas Boqorba u tegey wuxuu ahaa Daws Thuu Thaclabaan ‫دوس ذو‬
\‫( ثعلبان‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh) oo reer Saba'\‫ سبأ‬u dhashay, uuna dhalay Boqorkii
Yaman\‫ يمن‬oo magaciisu ahaa Xasaan bin Tubbaan Ascad Abii Karib\‫حسان بن تبان أسعد أبي كرب‬,
uuna dilay walaalkiis Camr\‫ عمر‬oo dabadiis la boqray, ayadoo ay sidaas dadkiisu kula taliyeen.
Markaasu Boqorka xabashaduna wuxuu keenay raggii ciidanka ahaa, boqorka Roomana wuxuu
keenay maraakiibtii raggaas lagu qaadi lahaa oo Badda Cas ka tillaabin lahayd oo Yaman \‫يمن‬
ku dejin lahayd, wuxuuna ku amray inuu maraakiibtaas keeno boqorka Masar\‫مصر‬.
Ciidankaas ayaa Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬la dagaalay oo jebiyay, isaga laftiisiina dilay. Sidaas
ayay xabashadu xukunka Yaman\‫ يمن‬gacanta ugu dhigtay, Yamanna\‫ يمن‬ay mustacmarad
xabashiyeed u noqotay, ayna sidaas labo iyo toddobaatan sano ahayd. Waa warbixin dheer oo
aan intaas kusoo koobnay.
29
Amarka maroodiga
Kaddib Abraha\‫( أبرهة‬Abraha afka xabashada waxaa weeye midka wajigiisu cad yahay),
boqorka xabashada ee Yaman\‫ يمن‬xukumay, wuxuu Sanca\‫ صنعاء‬ka dhisay kaniisad wayn oo
zamankeeda ayadoo kale aan la arag, magaceedana Al Qullays\‫ القليس‬la yiraahdo.
Al Qullays\‫ القليس‬waxaa loogu bixiyay dhererkeeda ay kor u dheertahay, oo qullays \‫ قليس‬waa
waxa kor u dheer. Dhisidda kaniisaddaas dadka yamaneed ayuu ku dullaystay, kharajkeedana
ayagaa bixiyay, dhisayna. Wuxuu ka dhisay dhagaxba intuu dhagax ka qurxoon yahay, sida
marmarka, iyo dhagax dahab iyo qalin lagu naqshay, oo laga soo qaaday qasriga Boqorraddii
hore ee Bilqiis\‫ بلقيس‬oo noolayd zamanka Nabi Sulaymaan\‫سليمان‬, Calayhissalaamu, hortiisa
ayayna ku islaantay, siday noo sheegtay Aayadda afar iyo afartanaad ee Suuratu Al Namli ‫سورة‬
\‫النمل‬, nooleydna qiyaas kun sano markaas horteed.
Qasrigaas cabbaar ayuu u jiray meesha kaniisaddaas laga dhisay, oo soo daldalidda dhagaxdaas
waa lagu dhibtooday.
Kaniisadda wuxuu ku suray krishtooyin dahab iyo qalin laga sameeyey, wuxuuna doonayey
inuu kor u dheereeyo ilaa dusheeda magaalada Cadan\‫ عدن‬laga arko.
Shaqaalaha kasniisaddaas dhisayay wuxuu kusoo rogay xukun fool xun oo ahaa in hadduusan
qofku shaqadiisa joogin oo uusan bilaabin intayan qorraxdu soo bixin ka hor gacanta ayuu ka
goyn jiray.
Markaasaa nin shaqaalihi ka mid ah maalin hurdo la tagtay oo ay qorraxdo kusoo baxday
isagoo wali hurda. Markaasey hooyadiis oo da' wayn soo raacday oo ay Abraha\‫ أبرهة‬qalbi
jilayc ka raadisay oo ay wiilkeeda u shefeeco qaaday inuusan gacanta ka goyn.
Abraha\‫ أبرهة‬wuu ka diiday waxaan ahayn inuu gacanta ka gooyo mooyee. Markaasey habartii
waxay ku tiri:
"Maanta faaskaaga ku dhufo, maxaa yeelay maanta adigaa leh, berrina ghayrkaa ayaa
yeelanaya."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Is jir! Maxaad leedahay oo aad tiri?"
Waxay tiri:
"Haa, siday boqortooyadaanu adiga cid kaloo lahayd kaaga soo wareegatay oo aad ku yeelatay,
ayay adigana kaa tegeysaa oo ay ghayrkaa u wareegeysaa."
Markaasuu hadalkeedaas ku waantoobay oo dadkii gacan gooynta ka daaya oo uu xukunkaas
joojiyay.
Markuu kasniisaddaas dhammaystiray ayuu Abraha\‫ أبرهة‬Boqorka xabashada warqad u dhiray
uu ku dhigay:
"Boqorow waxaan kuu dhisay kaniisad aan ayadoo kale Boqor kale hortaa loo dhisin, kani hari
mayo arrinkaan jeer aan ayada usoo duwo Xajka Carabta, oo ay ayada usoo xajiyaan."
Markay Carabi warka warqaddaas ku dhigan maqashay, ayaa nin Al Nasaa'ata\‫ النساءة‬ka mid
ah, magaciisuna yahay Xuthayfata bin Cabdi bin Fuqaym bin Cadiyyi bin Caamir bin
30
Thaclabah bin Al Xaarith bin Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah ‫حذيفة بن عبد بن فقيم بن عدي بن‬
\‫ عامر بن ثعلبة بن الحارث بن مالك بن كنانة بن خزيمة‬ka carooday. Ninkaas koofaartiisu waa Al
Qalammasu\‫القلمس‬, looguna bixiyay deeqsinnimadiisa, oo al qalammasu‫ القلمس‬waa magac ka
mid ah magacda badda oo ka yimid Al qamsu\‫ األقمس‬oo ah biyaha badan, oo sido kale halkaas
ayuu ka yimid erayga Al Qaamuusu\‫ القاموس‬kitaabka erayada macnohooda laga baaro, oo lagu
shabbahay badnida biyaha badda.
Al Qalamuusu‫ القلمس‬waa ninka ugu horreeyey oo bilaabah in bilaha xurmada leh la xalaaleeyo
( hadday doonaan inay dagaallamaan ama ay wax dilaan) oo bil kaloo aan xurmo lahayn
meesheedii la xaaraantimeeyo, amarkaaso Al Nas'atu \‫ النسأة‬la yiraahdo, ayna nooga
warrantahay Aayadda toddoba iyo soddon ee Suuratu Baraa'ah\‫سورة براءة‬.
Sababta uu Abraha\‫ أبرهة‬Kacbada ugu duulay
Ninkaas Xuthayfata\‫ حذيفة‬ah ee reer Banii Kinaanah\‫( بني كنانة‬Kinaanah waa awoowaha
toddobaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) markuu warkaas ka
carooday wuu soo kacay oo uu Sanca\‫ صنعاء‬yimid, uuna kaniisaddaas Al Qullays\‫القليس‬
dhexdeeda galay, xaajadiisana ku gutay oo uu musqal ahaan u isticmaalay, kaddibna uu
arligiisa dib ugu laabtay.
Abraha\‫ أبرهة‬waxaa loo sheegay waxa kaniisadddiisa dhexdeeda lagu suubiyay, markaasuu
wuxuu yiri:
"Qofkeebaa waxaan sameeyey?"
Waxaa lagu yiri:
"Waxaa sameeyey nin Carab ah oo ka dhashay dadka Guriga ay Carabtu u Xajjidu oo Makkah
\‫ مكة‬ku yaalla degah, kaddib markuu warkaagii maqlay ahaa "Kaniisaddaan ayaan xajka
Carabta usoo duwayaa oo ay usoo xajinayaan."
Markaasuu Xthayfah\‫ حذيفة‬carooday, oo intuu yimid uu dhexdeeda fariistay, isagoo waxaas uu
sameeyey ka wada "ma istaahisho oo ehel uma aha kaniisaddaani inay Carabi usoo xajjido".
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬carooday, wuxuuna ku dhaartay inuu Gurigaas u kicitimi doono si uu
u dumiyo. Markaasuu ciidanka xabashada wuxuu ku amray inay is diyaariyaan ayna qalab
aruursadaan. Kaddibna wuu ambabaxay isagoo ay maroodina la socdaan. Markay Carabi
warkaas maqashay, arrinkaasi wuu la waynaaday oo la xumaaday, waxayna u arkeen markay
maqleen inuu doonayo duminta Kacbada, Baytullaahi Al Xaraami\‫بيت هللا الحرام‬, Guriga Ilaahay
oo Xurmada leh inuu jihaad ku waajibay.
Thuu Nafri iyo Nufayl\‫ذونفر و نفيل‬
Markaasaa Abraha\‫ أبرهة‬waxaa usoo baxay nin madaxda iyo Boqorrada Yaman\‫ يمن‬ka mid ah
oo la yiraahdo Thuu Nafr\‫ذونفر‬, kaasoo tolkiis iyo Carab oo idil ugu yeeray la dagaallanka
Abraha\‫ أبرهة‬iyo in Guriga Ilaahay oo Xurmada leh daraadiis loo jihaado, isagoo uu Abraha
\‫ أبرهة‬doonayo dumintiisa iyo kharaabintiisa.
31
Markaasuu isagoo inta Carab baaqiisaas yeeshay hoggaaminaya, ayuu Abraha \‫ أبرهة‬la
dagaallamay.
Markaasaa Thuu Nafr\‫ ذونفر‬iyo asxaabtiisa la jebiyay isaga laftiisana qafaal lagu qabsaday.
Markaasaa isagoo qafaal ah Abraha\‫ أبرهة‬loo keenay, kaasna markuu damcay inuu dilo, ayuu
wuxuu ku yiri:
"Boqoro ha i dilin, oo waxaa dhici karta inay noolaanteydu kaaga khayr badantahay
dilkeygee."
Markaasuu ka yeelay oo intuu xargo ku xiray agtiisa ku xabbisay. Abraha \‫ أبرهة‬wuu dul qaad
badnaa.
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬safarkiisii Makkah\‫ مكة‬ku sii socday sii watay. Markuu yimid arliga
qabiilka Khathcam\‫( خثعم‬waa tha saddexda dhibcood korka ku leh oo ba ka dambeysa), ayaa
waxaa ka hor yimid Nufayl bin Xabiib Al Khathmaciyyi \‫ نفيل بن حبيب الخثعمي‬oo ah Nufayl bin
Cabdu Allaahi bin Juz' bin Caamir bin Maalik bin Waahib bin Jaliixah bin Ukulub bin
Rabiicah bin Cifris bin Jalaf bin Aftal (oo ah ninka Khatcam\‫ خثعم‬loo yaqaan oo qabiilka
magaca siiyay) ‫نفيل بنن عبد هللا بن جزء بن عامر بن مالك بن واهب بن جليحة بن أكلب بن ربيعة بن عفرس بن‬
\ ‫ جلف بن أفتل‬oo hoggaaminaya labada qabiil ee Khathcam\‫ خثعم‬oo kala ah Shahraan\‫ شهران‬iyo
Naahis\‫ ناهس‬iyo intii kaloo ka raacday qabaailka kale ee Carbeed.
Markasuu Abraha\‫ أبرهة‬la dagaallamay. Abraha\‫ أبرهة‬ayaa ka adkaaday oo jebiyay, Nufaylna
\‫ نفيل‬qafaal ayaa lagu qabtay oo loo keenay. Markuu damcay inuu dilo ayuu Nufayl \‫ نفيل‬wuxuu
ku yiri:
"Boqorow ha i dilin, oo anigu waxaan si fiican u aqaanna arliga Carabta, labadaas qabiil ee
Khathcam\‫ خثعم‬oo kala ah Shahraan\‫ شهران‬iyo Naahisna\‫ ناهس‬adigay kuu hogaansamayaan."
Markaasuu iska sii daayey.
Thaqiif iyo Abraha\‫أبرهة‬
Markaasuu Nufayl\‫ نفيل‬Abraha\‫ أبرهة‬soo raacay isagoo dariiqa tusaya. Markuu Dhaa'if\‫الطائف‬
yimid, Abraha\‫ أبرهة‬waxaa u yimid Mascuud bin Mucattib bin Maalik bin Kacb bin Camr Sacd
bin Cawf bin Thaqiif‫ مسعود بن معتب بن مالك بن كعب بن عمرو بن سعد بن عوف بن ثقيف‬oo rag
Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhashay hoggaaminaya, waxayna ku yiraahdeen:
"Boqorow, annagu waxaan nahay addoommadaada adiga ku adheecaya oo kuu hoggaansan,
adigana aan waxba kugu diidayn oo kugu khilaafeyn. Gurigeennaan ma aha guriga aad
dooneysid (waxayna ka wadaan gurigooda: guri ay u dhiseen sanam ay caabudi jireen oo
magaciisu ahaa Al Laata\‫الالت‬, ayna ku dhawaafi jireen sida Kacbada loogu dhawaafo oo kale),
ee waxaad dooneysaa Guriga Makkah\‫ مكة‬ku yaalla, annaguna waxaan kugu dareynnaa qof
gurigaas ku geeya."
Markaasuu iska daayey oo uu ka tegey, isagoo aan la dagaallamin.
Abuu Righaal\‫ أبورغال‬iyo qabrigiisa la dhagaxyeeyo
Markaasey waxay ku dareen ninka la yiraahdo Abuu Righaal\‫ أبورغال‬si uu dariiqa Makkah\‫مكة‬
u tusiyo oo uu u geeyo, isagoo uusan Abraha\‫ إبرهة‬aqoonin meeshay Makkah Al Mukarramah
\‫ مكة المكرمة‬arliga uga taallo.
32
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬soo kacay isagoo uu Aboo Righaal\‫ أبورغال\ أبورغال‬la socdo, wuxuuna
ku degay meesha la yiraahdo Al Mughammis\‫ المغمس‬oo macneheedu yahay: meesha ay ka
baxdo dhirta la yiraahdo Al Ghamiisu\‫ الغميس‬oo ah dhir cagaaran oo xilliga khariifka kasoo
baxda dhulka yaabiska ah, oo Makkah\‫ مكة‬agteeda ah. Markay halkaas degeen ayuu Abuu
Righaal\‫ أبورغال‬halkaas ku dhintay oo lagu xabaalay.
Markaasey Carabi qabrigiisa dhagaxyeeysay, waana qabriga uu dadku Al Mughammis\‫المغمس‬
ku dhagaxyeeyo."
Waa intaas warka ibnu Isxaaq/ibnu Hishaam.
Tilmaamidda qabriga ee Al Balaadii\‫البالدي‬
Caatiq bin Ghayth Al Balaadii\‫ عاتق بن غيث البالدي‬oo reer Makkah\‫ مكة‬ahaa wuxuu
kitaabkiisa Macaalimu Makkah Al Ttaariikhiyyah wa Al Athariyyah ‫معالم مكة التاريخية‬
\‫ واألثرية‬ayna daabacday Daaru Makkah lil Nashriwa al Tawziici\‫دار مكة للنشر والتوزيع‬
sanadka kun iyo afar boqol iyo saddex Hijriga, una dhigantah kun iyo sagaal boqol
saddex iyo sideetanka miilaadiga ku yiri markuu maadada Al Mughammis\‫ المغمس‬ka
hadlayo wuxuu yiri waxaa ka mid ah:
“hadalka ah inuu qabriga Abuu Righaal\‫ أبورغال‬ku yaallo Al Mughammas\‫ المغمس‬waa xad
gudub, ayadoo uu qabrigiisu ku yaallo barta la yiraahdo “Ra’su Yadcaan\‫ ”رأس يدعان‬una
dhexeysa Al Sh-sharaa’ic\‫ الشرائع‬iyo Al Zzaymah\‫الزيمة‬, kana fog Al Mughammas\‫المغمس‬
una jirta u dowaan sideed ilaa sagaal kiiloomitir. Qabrigiisana waa la rajmiyaa ”
Al Balaadii\‫ البالدي‬wuxuu ku masawiray bogga laba boqol iyo sideetan khariidho tusinaysa
bartuu ku yaallo qabrigaasu.
Sidoo kale wuxuu qabrigaas uga hadlayaa isla kitaabkaas markuu sharxayo maadada
“Righaal\‫”رغال‬, uuna sheegayaa inuu qabriga Abuu Righaal\‫ أبورغال‬ku yaallo “Ra’su
Yadcaan\‫ رأس يدعان‬oo u dhexeya Al Sh-sharaa’ic\‫ الشرائع‬iyo Al Zzaymah\‫الزيمة‬.
Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
qabrigiisa maray intuu ku jiray Duullaanka Al Dh-dhaa’if\‫ غزوة الطائف‬ayuu rajmiyay oo
dhagax la dhacay, markaasay rajminta qabrigaasu Sunno noqotay. Waxaana maanta ku
yaalla “R’asu Yadcaan\‫ ”رأس يدعان‬tuur dhagax ah oo qaarkood dariiqa kusoo daateen
qaar kalena ayba hadda usoo liicaan.”
Waa intaas warka Al Balaadii\‫البالدي‬.
Al Sh-sharaa’ic\‫الشرائع‬/Xunayn\‫حنين‬
Al Sh-sharaa’ic‫ الشرائع‬waa magaalada la oran jiray Xunayn\‫ حنين‬oo Quraanka Kariimka
ah ku xusan ayadoo nooga warramaysa Maalinta Duullaanka Xunayn\‫ غزوة حنين‬oo ku
xigay Duullaanka Furashada Makkah\‫ غزوة فتح مكة‬ee sanadka sideedaad ee Hijrada,
waxayna Kacbada u jirtaa sideed iyo labaatan kiiloomitir, waxaana dega Quraysh\‫قريش‬.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Maalinta Xunayn\‫ يوم حنين‬wuxuu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عزوجل‬kasoo dejiyay
Aayadaha shan iyo lix iyo labaatan ee Suuratu Tawbah‫سورة توبة‬:
33
‫ت َعلَْي ُك ُم‬
ْ َ‫ضاق‬
َ ‫َفلَ ْم تُ ْغ ِن َع ْن ُك ْم َش ْيًئا َو‬
ِ
ِ
‫ين َوأ َْن َز َل‬
َ ‫َعلَى َر ُسولِه َو َعلَى اْل ُم ْؤ ِمن‬
ِ ‫لَقَ ْد َنصرُكم اللَّه ِفي مو‬
ٍ ِ‫اط َن َكث‬
‫َع َج َبتْ ُك ْم َكثَْرتُ ُك ْم‬
ْ ‫يرة َوَي ْوَم ُح َن ْي ٍن إِ ْذ أ‬
ُ ُ ََ
َ
ََ
ِ َّ
َّ
ْ ‫ض بِ َما َرُح َب‬
ُ‫) ثَُّم أ َْن َز َل اللهُ َسك َينتَه‬52( ‫ين‬
ُ ‫ْاْل َْر‬
َ ‫ت ثَُّم َول ْيتُ ْم ُم ْدبِ ِر‬
ِ
ِ
َِّ ‫ودا لَم تَروها وع َّذ‬
)52( ‫ين‬
َ َ َ َ ْ َ ْ ً ‫ُجُن‬
َ ‫اء اْل َكاف ِر‬
َ ‫ب الذ‬
ُ ‫ين َكفَُروا َوَذل َك َج َز‬
"La qad nasarakumu Allaahu fii mawaadhina kathiiratin wa Yawma Xunaynin ith
acjabatkum kthratukum falam tughni cankum shay'an wa daaqat calaykum al ardu
bimaa raxubat thumma wallaytum mmudbiriina(25)Thumma anzala Allaahu
sakiinataHu calaa RasuuliHi wa calaa al mu'miniina wa anzala junuudan llam
tarawhaa wa cath-thaba allathiina kafaruu wa thaalika jazaa'u al kaafiriina(26)."
Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye:
"Wuu idiinku gargaaray Ilaahy goobo dagaal oo badan iyo Maalinta Xunayn \‫حنين‬,
markay idin cajab gelisay tira badnidiinnu, ayanse waxba idin tarin, oo uu arliguna ciriiri
idinku noqday in kastoo ay waasac tahay, kaddibna aad gaddoonteen oo aad dabada
jeediseen oo cararteen(25)Kaddibna wuxuu xasillooni kusoo dejiyay Ilaahay Rasuulkiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, korkiisa iyo muslimiintaba.
Wuxuuna soo dejiyay askar aydnaan adinku u jeedin, oo ah malaa'igta. Kuwa
gaaloobayna wuu cathaabay, oo waa la laayay oo la qafaashay, caruurtooda iyo
maalkoodana la qaatay. Waana taas abaal marinta gaaladu(26)."
Noolaynta Sunnada
Markaan intii macluumaad ahayd oo aan heli karay uruursaday ayaan waxaan u kacay
inaan sunnada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam nooleeyo oo
raaco oo aan qabriga gaalkaas dhagax lasoo dhaco. Markaasaan subax jimce ah
taariikhduna ay tahay saddexda bisha Jumaadu Al Aakhir\‫ جماد اآلخر‬ee sanadka kun afar
boqol laba iyo soddon una dhiganta lixda bisha Maajo laba kun kow iyo toban waxaan
aniga iyo wiilkayga Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali ka baxnay gurigiisa ku yaalla
xaafadda Al Cawaalii\‫ العوالي‬ee Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬aanna aadnay xagga
Al Sharaa’ic\‫الشرائع‬.
Waxay ila noqotay inaan jumcaha degmadaas ku tukanno oo aan markaas imaamka ama
mu’athinka waydiiyo meeshay ku taallo barta “Ra’su Yadcaan\‫”رأس يدعان‬. Salaada ka hor
ayaan mu’athinka la hadlay wuxuuna ii sheegay inuusan bartana aqoon iyo Abuu Righaal
\‫ أبورغال‬toona, uuse ila xiriirin doono nin agagaarkaas aan u sheegay oo ah inta u
dhexeysa Al Sharaa’ic\‫ الشرائع‬iyo Al Zzaymah\‫ الزيمة‬deggan salaadda dabadeed. Salaadda
dabadeed ayaan u tegay: intuu hareeraha fiiriyay ayuu ninkuu rabay waayay.
Markaasuu oday agtiisa fadhiyay la hadlay, kaddibna uu aniga ii yeeray oo aan u tegay.
Markaasaan odaga u sheegay waxaan doonayay kitaabka Al Balaadii\‫ البالدي‬oo aan
watayna ka tusay labadoodaba.
Markaasay odaga iyo isaguba agteyda ka dhaqaaqeen oo ay laba oday oo kale oo dhowr
tillaabo noo jira u tageen oo ay wada hadleen, kaddibna uu odagu aniga ii yeeray.
Markaasaan afartoodaas iyo wiil yar oo kuray ah oo uu odagu dhalay, oo markaan
34
weydiiyay ii sheegay inuu magaciisu Muxammad\‫ محمد‬yahay u tegey. Markaasuu odagu
wuxuu yiri:
“Waxaad qaaddaa dariiqu Al Ssiyaali\‫طريق السيال‬: waxaad arki doontaa malcab\‫( ملعب‬oo
ah stadiumka dhexdiisa banooniga lagu cayaaro): ka gudub. Waxaad arki doonta
maxadhooyin baanziinka laga qaato oo ayaguna midigta kaa qabanaya: dhaaf. Horadaada
u soco ilaa aad ka gaartid buundo dariiqa kor maraysa. Markaad xoogaa buundadaas
dhaaftid waxaad xagga bidixdaada ka arkaysa xoogaa guryo ah oo masjid dheer ku
yaallo: dhaaf. Kaddib waxaad arkaysaa qubuuro uu masjid yar ku yaallo: kaas weeye
“Ra’su Judcaan\‫ ”رأس جدعان‬oo magaciisu waa Judcaan\‫ جدعان‬oo ma aha Yadcaan\‫يدعان‬
(ama Yudcaan).”
Markaan qabriga waydiiyayna iima jawaabin. Labadii oday oo kale way naga tageen
markaasaan waxaan odayga wiilka dhalay iyo mu’athinka waxaan iri:
“su’aalka labaad ayaan qabaa ee ma idin weydiin karaa?”
Waxay yiraahdeen:
“haa.”
Waxaan iri:
“Al Balaadii\‫ البالدي‬wuxuu dhigayaa inay dadka deggan Al Sharaa’ic\‫ الشرائع‬yihiin
Haashimiyiin\‫ هاشميين‬Quraysh\‫ قريش‬ah ee ma sidaasaa?”
Mu’athinka ayaa ii jawaabay wuxuuna yiri:
“Haa oo Quraysh\‫ قريش‬ayaa deggan waxayna is dhex galeen qabiil kale oo la yiraahdo (ma
aanan garan). Odagaan ayaaba Quraysh\‫ قريش‬ah.” Odaguna nin midabkiisu cad yahay ma
ahayn oo waxaa ku jiray madow, waana waji qurxoonaa, wiilkiisuna sidaasoo kale ayuu u
qurxoonaa.
Ra’su Judcaan\‫رأس جدعان‬
Markaasaan intaas kaddib aniga iyo Cabdu Al Rraxmaan dhaqaaqnay oo aan Dhariiqu
Al Ssayaali\‫طريق السيال‬, ahna dariiqa wayn oo Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al
Dh-dhaa’if\‫ الطائف‬isku xira cagta saarnay.
Waana dariiq wayn oo marka Al Dh-dhaa’if\‫ الطائف‬loo socdana ay saddex baabuur is
dhinac socon karto midafaraadna la dhinac dhigi karo, marka Makkah\‫ مكة‬loo socdana
sidoo kale, waxaana kala qaybiya darbi gaaban oo shamiinto ah: labada dhinac baabuur la
isagama gudbi karo!
Waxaan dhaafnay malcabka iyo laba kaltan oo baansiinka laga qaato. Waxaan soconnay
ilaa sagaal iyo labaatan kiiloomitir: markaasaan buundadii naloo sheegay oo ah mid weyn
oo ah dariiq midkaan ku soconno kor mara.
Kaddibna waxaan aragnay guryo yar iyo masjid minaarad dheer leh oo dariiqa xagga
bidix ka qabatay, waana dhaafnay.
Kaddib waxaan aragnay qubuuro badan oo masjid yar ku yaallo oo ayaguna xagga bidix
naga qabtay: bartaas ayay odayadu noo sheegeen inay “R’asu Judcaan \‫ ”رأس جدعان‬tahay.
Markaasaan waxaan waynnay meel aan kasoo kala leexanno si aan bartaas oo sida
naloogu tilmaamay “Ra’su Judcaan‫ ”رأس جدعان‬ah u tagno.
35
Dariiquba meel laga baxo oo laga soo leexdo ma laha. Waxaan sidaas ku soconnay ilaa
dhowr iyo toban kiiloomitir oo kale ilaa aan ka aragno meel baansiinka laga qaato
baabuurtana laga samaysto.
Waan ku leexannay oo aan wediinnay bartaan u soconnay si aan u xaqiiqsanno iyo
meesha laga soo leexan karo. Barta waxay noogu tilmaameen sidaan u ogayn waxayna
nagula taliyeen inaan ka hoos baxno buundo meesha ku tiillay si aan dib ugu laabanno,
markaan aragno xafiisyada booliska Al Zaymaha\‫ الزيمة‬oo dariiqa ku yaalla inaan ayagana
weydiinno “waryaa” ayaa iigu daray isagoo qoslaya, wuxuuna ahaa nin reer Yaman \‫يمن‬
ah.
Booliska markaan u nimidna maba ayan maqlin waxaan kaba hadlaynno oo waxayba
yiraahdeen shaydaanka la dhagaxyeeyo wuxuu ku yaalla Mina\‫منى‬.
Kaddib waxaan istaagnay qubuuro afar darbi oo dheerdheer ku wareegsan yihiin, mase
ahayn kuwaan rabnay. Kaddib waxaan dhaafnay bar aan kaddib u maleeyey inay tahay
meeshaan rabnay, dibse looma noqon karin.
Markaasaan intaan labadeennu isku maqnayn ayaan bartaan rabnay dhaafnay: meel laga
soo noqdana ma laha. Sidaasaa markaan xukmanayd wa al xamdu li Allaahi Rabbi Al
Caalamiina, wa ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa ash-hadu anna Muxammadan
CabduHu wa RasuuluHu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Sidaasaan markaan u seegnay dhagaxyeynta Abuu Righaal \‫أبورغال‬, Allaha lacnadee,
waanse u laab an doonnaa inshaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Waa rajminnay qabriga Abuu Righaal\‫ أبورغال‬Allaha lacnadee
Maalin khaamis ah oo ah khamiista jimcahaas ku xigtay oo taariikhdu tahay lix iyo toban
bisha Jamaadu Al Aakhir\‫ جماد اآلخر‬ee sanadka kun afar boqol laba iyo soddon, una
dhiganta sagaal iyo toban bisha Maajo ee labakun kow iyo toban ayaan aniga iyo Cabdu
Al Rraxmaan gurigiisa ka dhaqaaqnay annago u soconna inaan qabriga Abuu Righaal
\‫ أبورغال‬soo rajminno.
Markaan bartuu ku qabrigu ku yaallo ee “R’asu Judcaan\‫ ”رأس جدعان‬si fiican ayaan u
naqiinnay oo saan u soconnay ayaan dul istaagnay.
Markaasaa midkeenba mar dhagaxyeeyey aanna lacnadnay oo habaarnay, Ilaahayna aan
ka barinnay inuu Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam dusheeda nagu nooleeyo ayadana nagu dilo.
Masawirradaan kasoo qaadnay waa kuwaanaa. Mahaddana Ilaahay keli ah ayaa iska leh
wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidina
Muxammadin wa Calaa Aalihi Wa Sallam tasliiman kathiiran.
Intaan Bismi Allaahi\‫ بسم هللا‬iri ayaan toddoba dhagax la dhacay sida shaydaanka
Mina\‫ منى‬loo rajmiyo oo kale, midna masawirkaan ugu tala galay.
36
Waxaan aad ula yaabay oo u bogay fiicnaanta uu Caatiq bin Ghayth Al Balaadii ‫عاتق بن‬
\‫ غيث البالدي‬qabrigaas u tilmaamay, waxanna arkay inuu siduu u tilmaamay yahay.
Qabrigu wuxuu ku yaalla masjidka yar dhiniciisa.
Al Balaadii\‫ البالدي‬wuxuu yiri:
“waxaana maanta ku yaalla “R’asu Yadcaan\‫ ”رأس يدعان‬tuur dhagax ah oo qaarkood
dariiqa kusoo daateen qaar kalena ayba hadda usoo liicaan.” Waa intaas warka Al
Balaadii\‫البالدي‬.
Wa Allaahi\‫ وهللا‬maantana waa siduu u tilmaamay! Si lagu tago waa dariiqa wayn in laga
baxo oo mid hoos mara la qaadaa: bar ku beegan ayaa waxay leedahay dariiq cadde ah oo
laga daadegi karo, annaguse taas ma ogayn oo waxaan ka baxnay dariiqa wayn qiyaas
laba ama saddex kiiloomitir ka hor waxaanna helnay dariiq laami ah oo bartaas taga.
Ilaahay dambiga Caatiq bin Ghayth Al Balaadii\‫ عاتق بن غيث البالدي‬ha dhaafo.
Masjidka yar laba rakco ayaan ku tukannay, waxaana dhexdiisa jiifay saddex nin. Intaan
salaannay ayaan weydiiyay bartaas magaceeda. Nin Carab u dhashay ayaa ii jawaabay oo
yiri: “Zaymah\‫”زيمة‬. Waxaan iri “magaalada Zaymahna\‫ زيمة‬meedey?” (oo qubuuraha iyo
bartaas aan joogno waxay ku yaalliin meed cidlo ah oo guri kale iyo magaalo toona uma
dhowa). Wuxuu yiri:
“horay kaa jirtaa.”
Waxaan iri: “adigu ma sucuudi ayaad tahay?”
wuxuu yiri:
“waxaan ahay suudaani”, wuxuuna ahaa dhallinyaro.
Waxaan ku iri:
“meeyey qabriga Abuu Righaal\‫ أبورغال‬oo la rajmiyo?”
Wuxuu yiri:
“Abuu Righaal\‫ أبورغال‬waa kee?”
waxaan iri:
“waa shaydaanka gaalada dooneysay inay Kacbada dumiyaan keenay.”
Wuxuu yiri:
“shaydaanka waxaa lagu rajmiyaa Mina\‫منى‬.”
Waxaan ku iri:
“adiga suudaan ayaa lagaa wareysanayaa iyo Khardhuum\‫ الخرطوم‬oo halkaan waxba kama
ogid!”
Intuu qoslay ayuu wuxuu la hadlay nin pakistaani ah oo agtiisa isaguna jiifay, kaasna
waxba ma ogayn. Ninka saddexaad hurdadaba kama kicin, wajigiisana maro ayaa
saarnayd oo ma arag.
Qisada Abuu Righaal\‫ أبورغال‬waaba la halmaamay!
Cabirrada masaafada u dhexeysa “R’asu Judcaan\‫ ”رأس جدعان‬iyo Al Shshaa’ic\‫الشرائع‬/Xunayn\‫حنين‬
Markaan maraynno “Dariiqu Al Sayaali\‫ ”طريق السيال‬oo Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬
iyo Al Dh-dhaa’if\‫ الطائف‬isku xira oo aan gaarnay Al Sh-sharaa’ic\‫ الشرائع‬aanna la
simannahay bartay ku taallo calaamadda sheegeysa inay bartaasu tahay xuduudda
Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬oo haddii la dhaafo Xarama\‫ الحرم‬laga baxay ayaan makiinadda
37
xisaabisa kiiloomitirrada waxaan geynay 0/Eber. Waxaan dhaafnay malcabka iyo
kaltannada baansiinnada buundada yar waan dhaafnay midda waynna waxaan tagnay
sagaal iyo labaatan kiiloomitir laga bilaabo markaan eber ka dhignay. Kaddib waxaan
mar kale kiilomitirka xisaabtiisa ka dhignay 0/eber: waxaan qubuuraha iyo masjidka yar
aragnay saddex kiiloomotir iyo bar kaddib. Marka wadarta masaafada uu “R’asu
Judcaan‫ ”رأس جدعان‬u jiro Al Sh-sharaa’ic\‫الشرائع‬/Xunayn\‫ حنين‬waa soddon iyo laba
kiiloomitir iyo nus.
Masaafada u dhexeya Kacbada Sharfan iyo R’asu Judcaan‫رأس جدعان‬
R’asu Judcaan‫ رأس جدعان‬waxay Kacbada Makkah\‫ مكة‬u jirtaa lixdan kiiloomitir iyo nus
qiyaas. Halkaasaa Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ سبحانه وتعالى‬ku dilay gaalkii
Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhashay oo tusayay amxaarada gaalada ahaa Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ المكرمة‬oo dooneysay inay Kacbada, Guriga Ilaahay dumiyaan, inuu usoo dhowaadana
loomaba oggolaan.
Amxaaradiina waxa Ilaahay ku falay waxaa nooga warrantay Suuratu Al Fiili\‫سورة الفيل‬.
Sugidda R’asu Judcaan\‫رأس جدعان‬
Gabayaaga iyo odayga reer Banii Sacad bin Bakar\‫ بني سعد بن بكر‬Muxammad Saciid Al
Thuwaybii\‫ محمد سعيد الذويبي‬wuxuu ahaan jiray siduu ii sheegay: “Guddoomiyaha
Mashaacirta Xajka: Guddoomiyaha Degmada Minaa\‫منى‬, Guddoomiyaha degmada Al
Sharaa’ic\‫ الشرائع‬iyo kuwa kale shan iyo toban sano. Anigaana isaga tegay shaqada.”
Markuu arkay masawirkayga iyo kan Cabdu Al Rraxmaan oo dhagax la dhacaynna
qabriga Abuu Rughaal\‫ أبو رغال‬wuxuu yiri:
“ayada weeye R’asu Judcaan\‫”!رأس جدعان‬
Intaasaan uga baxaynnaa safarkeenna iyo dhgaxyeynteenna qabriga \‫ أبورغال‬Allaha lacnadee.
38
39
Qabriga Abuu Righaal\‫ أبورغال‬oo ku yaalla “Ra’su Judcaan\‫”رأس جدعان‬, una dhexeysa Al
Sharaa’ic\‫ الشرائع‬iyo Zaymah\‫زيمة‬. Sunnadu waa in la rajmiyaa.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬geela laga soo dhacay
Abraha‫ أبرهة‬si uu dadka aagga Makkah\‫ مكة‬degah xooggooda, feejignaantooda iyo
heegannimadooda u arko, wuxuu gobolkaas u diray ciidan uu wato nin xabasho ahaa oo la oran
jiray Al Aswad bin Maqsuud‫األسود بن مقصود‬, oo ah Al Aswad bin Maqsuud bin Al Xaarith bin
Munabbih bin Maalik bin Kacbi bin Al Xaarith bin Kacb bin Camr bin Cillata bin Khaalid bin
Mathjaj ‫األسود بن مقصود بن الحارث بن منبه بن مالك بن كعب بن الحارث بن كعب بن عمرو بن علة بن خالد بن‬
\‫مذجج‬, kuna amray inay xoolohooda wax ka soo dhacaan.
Markaasey xoolihii gobolkaas wax kasoo dheceen. Xoolahaas waxaa ku jiray laba boqol oo
halaad oo geel ah oo uu leeyahay Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, kaasoo markaas ah
hoggaamiyaha iyo Madaxa Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Markaasey qabaa'ilkii gobolkaas degganaa, waana gobolka la yiraahdo Tihaamata \‫ تهامة‬oo ay
Qurayshi\‫ قريش‬ka mid tahay iyo Kinaanah\‫ كنانة‬iyo Huthayl\‫ هذيل‬intay is gaashaan buursadeen
ayay waxay go'aansadeen inay la dagaallamaan ciidankaas xurmadii Makkah\‫ مكة‬iyo Kacbada
jebiyay oo burcadnimadaas ku kacay.
Markayse arkeen tirada iyo cududda ciidanka Abraha\‫أبرهة‬, fikraddoodii ahayd inay la
dagaallamaan way ka hareen, waxayna go'aansadeen inay iska ishaa falateeyaan oo ay
dhawraan waxay xaaladuu noqon doonto.
Al Qasdhlaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
“Markuu Abraha\‫أبرهة‬, boqorka Yaman\‫يمن‬, oo uga wakiilka ah Al Najaashiyyu
Asmaxah\‫ أصمحة النجاشي‬u yimid inuu dumiyo Guriga Ilaahay oo Xurmada leh\‫بيت هللا الحرام‬,
ayuu warkaasna uu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬gaaray. Markaasuu wuxuu yiri:
".‫ ألن لهذا البيت ربا يحميه ويحفظه‬،‫ ال يصل إلى هدم البيت‬،‫"يا معشر قريش‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ragga Qurayshow\‫قريش‬, ninkaanu aooma gaari garo Gurigaan inuu dumiyo, maxaa yeelay
Gurigaanu wuxuu leeyahay Rabbi Difaaca oo ilaaliya.”
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo Ergayga Abraha\‫أبرهة‬
Markaasaa waxaa Makkah‫ مكة‬yimid nin la oran jiray Xunaadhah al Ximyarii‫ حنيطة الحميري‬oo uu
Abraha\‫ أبرهة‬soo diray, wuxuuna reer Makkah\‫ مكة‬ku yiri:
"Yaa ah hoggaamiyaha Makkah\‫"?مكة‬
Dadkii wuxuu u tilmaamay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo Kacbada harkeeda fadhiya.
Markaasuu intuu u yimid wuxuu ku yiri:
"Boqorku wuxuu ku leeyahay:
40
"Uma aanan imaan dagaalkiinna, waxaanse u imid inaan Gurigaan dumiyo. Haddaydnaan naga
horiman adinkoo Gurigaan daafacaya dhiiggiinna xaajo kama lihin."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ugu jawaabay:
‫ أو‬- ‫ وبيت خليله إبراهيم عليه السالم‬،‫ هذا بيت هللا الحرام‬،‫ وما لنا بذلك من طاقة‬،‫"وهللا ما نريد حربه‬
".‫ فوهللا ما عندنا دفع عنه‬،‫ وإن يخل بينه وبينه‬،‫ فهو بيته وحرمه‬،‫كما قال – فإن يمنعه منه‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi annagu dagaalkiisa dooni maynno, itaal aan isaga celinnana ma lihin. Midkaani
waa Baytu Allaahi Al Xaraami‫ بيت هللا الحرام‬, Guriga Ilaahay oo Xurmada leh, iyo Guriga
Khaliikiisii Ibraahiim\‫ خليله إبراهيم‬Calayhissalaamu - ama siduu yiri - Marka hadduu ka
ceshado waa Gurigiisa iyo Xaramkiisa, hadduu isaga dhex baxana wa Allaahi annagu kama
celin karno."
Markaasuu Xunaadhah\‫ حناطة‬wuxuu ku yiri:
"Hadaba na keen oo isoo raac aan u tagnee, maxaa yeelay wuxuu isoo amray inaan kuu geeyo."
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬, oo ay la socdaan qaar wiilashiisa ka mid ihi, soo
raaceen waxayna yimaadeen Xaruntii ciidanka Abraha.
Ragga Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬Abraha\‫ أبرهة‬uga shafeecay
Markuu saldhiggi yimid ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu la hadlay ninka la
yiraahdo Thuu Nafri\‫ذونفر‬, oo meeshuu ku xabbisnaa ku jirah wuxuuna ku yiri:
"Thuu Nafrow\‫ذونفر‬, waxaan nagu soo degay wax ma naga tari kartaa?"
Markaasuu Thuu Nafr\‫ ذونفر‬wuxuu ku yiri:
"Muxuu tari karaa nin qafaal ugu jira Boqor uu sugayo inuu dilo waabarigii ama galabtii?
Waxa kugu soo degay wax kaama tari karo, waxaan ahayn inuu Unays\‫ أنيس‬ninka la yiraahdo
oo maroodiga agaasima uu saaxiibkay yahay. Marka isagaas ayaan u yeerayaa, aanna kaala
dardaarmayaa, xaqqaagana aan u wayneynayaa, waxaanna waydiisanayaa inuu Boqorka kaaga
soo idan qaado inaad la kulantid, oo aad markaas waxaad doonto aad kala hadashid, uuna
khayr kaaga shafeeco qaado, hadduu taas awoodo."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
".‫"حسبي‬
Oo ah:
"Igu filan." Markaasuu Thuu Nafri\‫ ذونفر‬wuxuu u ciddiray Unays\‫أنيس‬, markuu u yimidna
wuxuu ku yiri:
"Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬waa hoggaamiyaha Quraysh\‫قريش‬, waana hoggaamiyaha
Safarka Quraysheed, dadkana dooxada (Makkah\‫ )مكة‬ku quudiya, dugaagana buuraha
dushooda, Boqorkuna wuxuu kasoo qaatay laba boqol oo halaad oo gel ah, marka inuu la
kulmo ithan uga soo qaad, agtiisana ka tar inta kuu suurtowda."
41
Unays\‫ أنيس‬wuxuu yiri:
"Waa yeelayaa."
Markaasuu Unays\‫ أنيس‬Abraha\‫ أبرهة‬la hadlay, wuxuuna ku yiri:
"Boqorow, waxaa albaabkaaga joogah hoggaamiyaha Quraysh\‫قريش‬, oo kaa ithan qaadanayaa
inuu ku arko, waana hoggaamiyaha Safarka Quraysh\‫قريش‬, dooxadana dadkuu ku quudiyaa,
dugaaggana buuraha dushooda, marka u oggolow inuu kuu soo galo oo uu xaajadiisa kaala
hadlo."
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬u oggolaaday inuu usoo galo.
Kulanka Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo Abraha\‫أبرهة‬
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ahaa ninka dadka ugu qurxoon, uguna waji quruxsan,
uguna wayn. Markaasuu markuu Abraha arkay ayuu la waynaaday oo uu wayneeyey uuna ka
karaameeyey inuu hoostiisa fariisiyo isaguna uu carshigiisa ku fadhiyo, wuxuuna kahday,
haduu carshigiisa kusoo fariisan lahaa, inay xabashadu aragto isagoo carshigiisa kula fadhiya.
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬carshigiisa kasoo degay oo uu kadiifad dhulka fidsan ku fariistay,
isagiina uu dhiniciisa kadiifada korkeeda soo fariisiyay.
Kaddibna wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
"Waxaad ku tiraahdaa: maxay tahay xaajadaadu?"
Markaasuu turjumaankii sidaas ugu sheegay. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
wuxuu yiri:
".‫"حاجتي أن يرد علي الملك مئتي بعير أصابها لي‬
Oo macnihiisu yahay:
"Xaajadeydu waxaa weeye inuu Boqorku ii soo celiyo laba boqol oo halaad oo geel ah oo uu
iga soo dhacay."
Markuu sidaas ku yiri ayuu Abraha\‫ أبرهة‬wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
"Waxaad ku tiraahdaa:
"waa i cajab gelisay markaan ku arkay, markaad hadashayse waan kaa kaaftoomay. Ma
waxaad igala hadleysaa laba boqol oo halaad oo geel ah oo aan kaa soo dhacay, kamana aad
hadleysid Guri Diintaada ah iyo Diinta aabayaalkaa oo aan u imid inaan dumiyo?"
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu ku yiri:
".‫ وإن للبيت ربا سيمنعه‬،‫"إني أنا رب اإلبل‬
Oo macnihiisu yahay:
"Anigu waxaan leeyahay geela, Guriguna wuxuu leeyahay Rabbi kaa ceshanaya."
Abraha\‫ أبرهة‬wuxuu yiri:
42
"Igama celin karo."
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu yiri:
".‫"أنت وذاك‬
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaad ka heshaad leedahay, waanna arki doonnaa oo loo joogaa."
Waxaa la sheegay inay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬la socdeen ragga kala ah: Yacmaru
bin Nufaathah bin Cadiyyi bin al Dy'li bin Bakar bin Manaat bin Kinaanah ‫يعمر بن نفاثة بن عدي بن‬
\‫الدئل بن بكر بن مناة بن كنانة‬, oo markaas ah hoggaamiyaha Banii Bakar\‫بني بكر‬, iyo Khuwaylidu bin
Waathilah Al Huthalii\‫خويلد بن واثلة الهذلي‬, oo markaas ah hoggaamiyaha Huthayl\‫هذيل‬, oo ay
markaas Abraha\‫ أبرهة‬usoo jeediyeen inuu qaato dalool xoolaha Tihaamata\‫ تهامة‬oo ka noqdo,
Baytkana uusan dumin. Markaasuu ka diiday. Runtana Rabbi ayaa og inay sidaas ahayd iyo in
kale.
Abraha\‫ أبرهة‬wuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬usoo celiyay geelii uu kasoo dhacay.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬oo Ilaahay gargaar waydiisanaya
Markay kasoo gaddoomeen, Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu u yimid Quraysh\‫قريش‬,
warkii ayuuna u sheegay, wuxuuna ku amray inay Makkah\‫ مكة‬ka baxaan ayna buuraha
dushooda tagaan oo ay isku ilaaliyaan cabsi uu uga qabo inay xabashadu sharaf darreeyaan.
Dadka buurahaas Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكىمة‬maalintaas tafay waxaa ka mid ahayd
Aminatu bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hooyadiis oo isaga uurkiisa leh, dhali doontana konton maalmood kaddib.
Markay Qurayshi\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬ka baxday ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬inta
Kacbada tegey wuxuu ku dhegay dugaagadda birta ah oo albaabka Kacbada ku yaalla oo lagu
garaaco, isagoo ay la joogaan rag Quraysh\‫ قريش‬ah.
Markaasey Ilaahay baryeen, inuu Abraha\‫ أبرهة‬iyo askartiis uga gargaaro inuu libta kasiiyana
weydiisteen.
Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬isagoo dugaagaddii albaabka ku dheggan wuxuu
yiri:
‫ \\ نع رحله فامنع حاللك‬-‫الهم إن العبد يم‬.1
‫اليغلبن صليبهم \\ ومحالهم غدوا محالك‬.2
"1. Laahumma inna al cabda yamnacu raxlahu fa amnac xalaalaka. (2) Laa yaghlibanna
saliibuhum wa maxaaluhum ghadwaa maxaalika."
Oo ducadaas gabayga ah macneheedu waxaa weeye:
43
"Ilaahayow addoommadu guryohhoda way ilaashadeen oo daafaceen, marka Adiguna
Guryahaaga ilaasho oo daafac. (2) Ha oggolaanin inay krishtadooda iyo hubkoodu ay berrito
hubkaaga ka xoog bataan."
Al Zarqaani\‫ الزرقاني‬wuxuu isaguna wariyay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib Al Zarqaani wuxuu
isaguna wariyay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib yiri:
‫ \\ نع رحله فامنع رحالك‬- ‫للهم أن المرء يم‬.1
‫جروا جميع بالدهم \\ والفيل كي يسب عيالك‬.2
‫ \\ ب وعابديه اليوم آلك‬- ‫وانصر على آل الصلي‬.3
‫ال يغلبن صليبهم \\ ومحالهم أبدا محالك‬.4
‫عمدوا حماك بكيدهم \\ جهال وما رقبوا جاللك‬.5
1. Laahumma anna al mar’a yam/nacu raxlahu fa amnac rixaalaka
2. Jaruu jamiica bilaadihim/wa al fiila kay yasubbu ciyaalaka
3. Wa ansur calaa aali al ssalii/bi wa caabidayhi al yawma aalaKa
4. Laa yaghlibanna saliibuhum/wa maxaaluhum abadan maxaalika
5. Camaduu ximaaka bi kaydihim/jahlan wa maa raqabuu JalaalaKa.
Shantaas tixood macnohoodu waxaa weeye:
1. "Ilaahayow addoommadu guryohhoda way ilaashadeen oo daafaceen, marka Adiguna
Guryahaaga ilaasho oo daafac.
2. Waxay soo wateen oo na dul keeneen beledkooda o idil/iyo maroodigaba inay caruurtaada
caayaan.
3. Una gargaar oo libta ka sii kuwa krishtada leh/krishtadana caabuda Adiga ehelkaaga.
4. Ha oggolaanin inay krishtadooda iyo hubkoodu ay berrito hubkaaga ka xoog bataan."
5. Waxay khayaano kula soo duuleen Xaramkaad oodday/jaahilnimo daraadeed oo
waynaantada ma ayan dhaagin.
Markuu intaas yirina, Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬dugaagaddii albaabka ayuu sii daayey,
markaasey isaga iyo raggii Quraysh\‫ قريش‬oo la jiray dhaqaaqeen oo ay buuraha dushooda
aadeen, halkaasoo ay isku ilaaliyeen, aygoo dhawraya wuxuu Abraha\‫ أبرهة‬Makkah\‫ مكة‬ku fali
doono hadduu soo galo.
Nufayl\‫ نفيل‬iyo Maxmuud\‫محمود‬
Abraha\‫ أبرهة‬markuu waabariistay ayuu isku diyaariyay inuu Makkah \‫ مكة‬galo oo uu Kacbada
dumiyo, wuxuuna diyaariyay maroodigiisa, ciidankiisana heegan ayuu geliyay.
Waxaa la sheegay inay maroodigu ahaayeen saddex iyo toban maroodi, uuna madax u ahaa
maroodi magaciisu Maxmuud‫ محمود‬ahaa. Abraha\‫ أبرهة‬qorshihiisu wuxuu ahaa in markuu
Kacbada dumiyo uu Yaman\‫ يمن‬dib ugu laabto.
44
Markaasey dhaqaaqeen, oo markay waadiga la yiraahdo Waadi Al Muxassir\‫وادي المحسر‬
yimaadeen, ayay markay maroodiga xagga Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬u jeediyeen
ayaa waxaa maroodiga Maxmuud\‫ محمود‬la yiraahdo oo hormuudka u ah soo dhinac istaagay
Nufayl bin Xabiib\‫نفيل بن حبيب‬, oo intuu dhegta maroodiga gacantiisa ku qabtay ayuu wuxuu ku
yiri:
"Maxmuudow\‫محمود‬, tuh (waa fariiso), ama adigoo hanuunsan meeshaad ka timid ku noqo,
maxaa yeelay waxaad ku sugan tahay Beledka Ilaahay oo Xurmada leh‫بلد هللا الحرام‬."
Kaddibna, markuu intaas ku yiri ayuu dhegtiisa sii daayey.
Markaasuu maroodigu dhulka fariistay, Nufayl bin Xabiibna‫ نفيل بن حبيب‬intuu orday ayuu
buurta tafay oo fuulay. Markaasey askartii maroodiga garaaceen si uu u kaco, wuuna diiday.
Markaasey madaxa faas kala dheceen si uu u kaco, isaguna wuu diiday.
Abraha\‫ أبرهة‬iyo maroodiga iyo Waadii Al Muxassir\‫ وادي المحسر‬iyo Makkah\‫مكة‬
Markaasey waxay caloosha ka geliyeen ul dheer oo madaxa sida bakooradda ka godan oo ay
dhiiga uga keeneen si uu u kaco, wuuse diiday.
Maxmuud\‫ محمود‬waxaa lahaa Boqorka xabashada ee Al Najaashiyyi\‫النجاشي‬, maalintaasna laba
iyo tobankii kale oo maroodi way dhinteen, isagase Ilaahay maalintaas ma dilin, sababtuna ay
tahay inuu diiday inuu xagga Kacbada u dhaqaaqo, si loo dumiyo. Runtana Rabbi ayaa og.
Markaasey waxay u jeediyeen xagga Yaman\‫يمن‬, markaasuu istaagay oo intuu socday
rucleeyey oo socod dheereyey. Markaasey waxay u jeediyeen xagga Shaam \‫الشام‬, markaasuu
istaagay oo intuu socday rucleeyey oo socod dheereyey. Markaasey waxay u jeediyeen xagga
qorrax kasoo bax, markaasuu istaagay oo intuu socday rucleeyey oo socod dheereyey.
Markaasey waxay u jeediyeen xagga Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, markaasuu fariistay.
Markay xaaladdoodu sidaas tahay, ayuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬
wuxuu kusoo diray Abraha\‫ أبرهة‬iyo askartiisii shimbiroh xagga Badda Cas uga yimid oo u eg
kuwa la yiraahdo Al Khadhaadhiifu\‫ الخطاطيف‬iyo Al Balasaanu\‫البلسان‬, ahna shimbiro yaryar oo
markay dhulka fariistaan isla markiiba hadana ka kaca oo duula.
Shinbir walba wuxuu siday saddex dhagax, mid uu gafuurkiisa ku sido iyo labo uu labadiisa
addin ku kala sido. Dhagaxdaasi waxay le'ekaayeen miraha la cuno oo la yiraahdo Al Ximmas
\‫ الحمص‬iyo Al Cadas\‫ عدس‬oo xabbadohoodu ay xabbadaha bariiska ka yaryar y ihiin.
Qofkuu dhagaxaasi ku dhaco hore ayuu ka dhimanayaa. Kulligoodse kuma wada dhicin, oo ma
ayan wada dhimane, intii hartayna way carareen oo dariiqay ku yimaadeen ku carareen, ayagoo
isla markasna raadinaya Nufayl bin Xabiib\‫ نفيل بن حبيب‬si uu dariiqa Yaman\‫ يمن‬loo aado u
tusiyo.
Nufayl\‫ نفيل‬markuu arkay waxa uu Ilaahay kusoo dejiyay oo cathaab iyo aargoosi ah, wuxuu
yiri:
‫أين المفر واإلله الطالب \\ واألشرم المغلوب ليس الغالب‬
45
"Ayna al mafarru wa al Ilaahu al Dhaalibu, Wa al Ashramu al maghluubu laysa al ghaalibu".
Oo tixda macneheedu waxaa weeye:
"Meel loo cararo miyaa jirta haduu Ilaahay yahay Midka wax eryoonaya \\ Al Ashramna\‫األشرم‬
(waa Abraha‫ )أبرهة‬waa laga adkaaday, oo isagu ma uusan guulaysan."
Dhagaxda
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“dhagax walba waxaa ku dhignaa ninkuu ku dhacayo magaciisa iyo magaca aabihiis, siday
Ummu Haani’‫ أم هانيئ‬u sheegtay, wuxuuna le’ekaa xabbad cadas\‫ عدس‬ah oo
kale…Axaadiithta intooda badanna waxay wariyeen inay cadas \‫ عدس‬ka weynaayeen al
ximissah-na\‫ الحمصة‬ka yaraayeen, qaarkoodna waxay yiraahdeen: intaas way ka weynaayeen,
oo waxaad mooddaa inay kuwa yaryar iyo kuwa weynba ku jireen oo uu markaas qof walba
wuxuu arkay ka warramay ama wuxuu maqlay.
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu arkay dhagaxdaas qaar ka mid ah oo uu ku
arkay guriga Ummu Haani’‫( أم هانيئ‬ahna ina Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬iyo Calii bin Abii
Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬walaashiis ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin) ayna le’ekaayeen
qafiiz\‫ قفيز‬guduudna ahaayeen aan saafi ahayn guduudku sida midabyada kala duwanna aadna
moodid kuusha Thafaar\‫( ظفار‬ahna magaalo Yaman\‫ يمن‬ku taalla) ee caddaanka iyo madowga
isugu qasan.” Waa intaas warkiisu.
Amxaaro waa la halaagay inta hartayna way carartay
Markaasey amxaaro carartay, ayagoo dariiq walba ku daadanaya oo ku dhimanaya.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Abuu Nucaym\‫ أبونعيم‬wuxuu Cadhaa’ bin Yasaar\‫ عطاء بن يسار‬ka wariyay inuu yiri:
“waxaa ii warramay qof la hadlay ninka hoggaaminayay maroodiga iyo midka agaasimayayba
inuu labadoodaas ku yiri:
“cid aan labadiinna ahayni ma badbaaday?”
Labadoodu waxay yiraahdeen:
“haa, oo kulligood cathaabtu ma wada haleelin.”
Caa’ishah\‫ عائشة‬waxay tiri:
".‫"لقد رأيت قائد الفيل وسائسهأعميين مقعدين يستطعمان الناس بمكة‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“waxaan arkay hoggaamiyaha (qaa’id\‫ )قائد‬maroodiga iyo midka maroodiga agaasimayay
ayagoo ay labadooduba indhaha beeleen oo ay indhoole yihiin oo dhulka fadhiya oo dadka ka
baryaya inay cunno siiyaan Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda”, waxaana wariyay ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬.
Waxaana ka haray (asxaabu al fiili) haraa kuna sugnaa xaalad aan raalli laga noqon karin lagu
xusuusinayo oo lagu waaninayo cidda aragtah, ogaysiinna u ah intaan arkin oo uu markaas
46
Baytku, waa Kacbadee, u kordhiyo waynayn, ayna u noqoto sabab lagu rumeeyo Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, laguna ogaado makaankuu ku leeyahay Ilaahay
agtiisa.
Zaadu Al Masiir\‫ زاد المسير‬wuxuu wariyay:
“Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu diray wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬oo fars
fuushan si uu usoo fiiriyo waxa amxaarada ku dhacay, markaasuu isagoo farasku la degdegayo
soo noqday isagoo leh:
".‫"هلك القوم‬
Oo macnihiisu yahay:
“qawmku way halaagmeen.”
Markaasay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo asxaabtiisu bexeen oo ay maalkooda soo
ghaniimaysteen.” Waa intaas warkiisu.
Bakhtiga amxaarada
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxu yiri:
“Al Rawdu\‫ الروض‬wuxuu tafsiirka Al Naqaash\‫ النقاش‬ka wariyay:
“daadad ayaa maydkooda qaaday oo badda (Cas) ku tuuray.” Waa intaas warkiisu.
Cadaabta Abraha\‫ أبرهة‬iyo diliddiisa
Abraha\‫ أبرهة‬ma dhiman maalintaas, jirka ayaase laga galay, kuwa askartiisa ahaa oo
cararayey ayaana hore usii qaaday. Intuu sii socday jirkiisa ayaa hadba xubin ka go'daa oo ay
ka dhacdaa, kaddibna ay meeshaas muddo dhiig iyo malaxi da dareertaa.
Waxay Sanca\‫ صنعاء‬keeneen isagoo sida cunugga shimbirta oo baalashii laga gooyey ah, oo
aan addimmo lahayn, kaddibna ay laabtiisu dillacday oo uu wadnihii kasoo baxay oo uu
dillaacay, isaguna uu dhintay.
Sanadkaas ay xabashadu Makka\‫ مكة‬timid ayaa ugu horreeyey arliga Carabta oo lagu arko
labada cudur ee furuqa iyo jadeecada.
Amxaaro waxay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬keentay furuq iyo jadeeco
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
“Abraha\‫ أبرهة‬cudurka ku dhacay wuxuu ahaa furuq, waana marka ugu horreysey oo furuq lagu
arko, siduu u yiri Cikrimah\‫ عكرمة‬arliga carabta.”
Wuxuu yiri:
“ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“waxaa ii warramay Yacquub bin Cutbah\‫ يعقوب بن عتبة‬in loo sheegay in marka ugu horreysey
oo jadeeco iyo furuq lagu arkay arliga carabta uu sanadkaas ahaa.” Waa intaas warkiisu.
47
Amxaaro waxay keentay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬geedo aan waxtar lahayn
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Sidoo kale sanadkaas ayaa ugu horreeyey in arligaas lagu arko geedaha kharaar oo kala ah Al
Xarmalu\‫ الحرمل‬iyo Al Xanthalu\‫( الحنظل‬waa tha korka dhibic ku leh oo dh ka dambeysa) iyo Al
Cusharo\‫العشر‬.
Quraanka asxaabu al fiili kasoo degay
Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, cathaabtaas uu kusoo dejiyay Abraha\‫ أبرهة‬iyo askartiisa
doonayay inay Gurigiisa Xurmada leh\‫ بيت هللا الحرام‬dumiyaan krishtana dul suraan, wuxuu
noogu sheegay Suuratu Al Fiili\‫سورة الفيل‬, wuxuuna yiri:
‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ٍ ِ‫ضل‬
ِ ‫اب اْل ِف‬
ِ ‫َص َح‬
)3( ‫يل‬
َ ِ‫) َوأ َْر َس َل َعلَ ْي ِه ْم طَ ْي ًار أ ََباب‬5( ‫يل‬
َ ‫ف فَ َع َل َرب‬
َ ‫أَلَ ْم تََر َك ْي‬
ْ َ‫) أَلَ ْم َي ْج َع ْل َك ْي َد ُه ْم ِفي ت‬1( ‫يل‬
ْ ‫ُّك بِأ‬
ٍ ‫) فَجعلَهم َكع‬4( ‫يل‬
ٍ ‫ف م ْأ ُك‬
ٍ ‫ارة ِم ْن ِس ِّج‬
ٍ ‫تَْرِمي ِهم بِ ِح َج‬
)2( ‫ول‬
ْ َ ُْ َ َ
َ
ْ
َ ‫ص‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alam tara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi al
fiili(1)Alam yajcal kaydahum fii tadliilin(2)Wa arsala calayhim dhayran
abaabiila(3)Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin(4)Fa jacalahum ka casfin ma'kuuli(5)".
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi‫ بسم اهلل الرحمن الرحيم‬. Ma ogtahay siduu Rabbigaa ku
falay ciidankii maroodiga watay(1)Miyuusan qorshohoodii dhagarta ahaa ka yeelin mid
luntay(2) Uusanna korkooda ku soo dirin shimbiro kooxa ah(3)Kuna soo tuureysa dhagax
dhoobo ah oo Jahannama lagu soo kululeeyay(4)Markaasey le'deen oo ay daateen uuna ka
yeelay sida (beer) bal la daaqay oo kale(5)"
Siday Carabi Quraysh\‫ قريش‬u wayneysay maroodiga kaddib
Markuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, xabashadii Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ka celiyay, qorshihii Abrahana\‫ أبرهة‬wax kama jiraan ka dhigay, wixii
ku dhacayna ay ku dheceen, ayay Carabi Quraysh\‫ قريش‬weyneysay, waxayna yiraahdeen:
"Qurayshi\‫ قريش‬waa ehelka Ilaahay\‫أهل هللا‬, Isagaana u dagaallamay oo difaacay, cadawgooda
dhibaatadiisana uga filnaaday oo ka kaafiyay." Gabayo badanna arrinkaas waa laga tiriyay.
48
Waadii Muxassir\‫وادي محسر‬
Waadigaani wuxuu ku yaalla inta u dhexeysa Mina\‫ منى‬iyo Al Muzdalifah\‫المزدلفة‬, wuxuuna ka
tirsan yahay Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬, waxaana sidaas loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay,
Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, maroodigii xabashada krishtaanka ahayd iyo askartoodii doonayay
inay Gurigiisa dumiyaan meeshaas ku celiayay oo ay dhaafi waayeen, oo xasara waxaa weeye
waa xabbisay.
Marka waadigaas la marayo, ayadoo Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬laga soo gaddoomay subaxa
Maalinta Tobanaad ee Ciidda si dhakhso leh ayaa lagu maraa oo loo gudbaa, sida uu
Jaabir\‫جابر‬, Allaha raalli ka noqdee, xujaydu ay Mina\‫ منى‬u socdaan, waadigaas si dhakhso leh
ayaan ku maraan oo ay ku gudbaan, sida uu Jaabir\‫جابر‬, Allaha raalli ka noqdee wariyay:
"Markuu (Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) yimid bartamaha Muxassir\‫محسر‬, ayuu
hashiisa dhaqaajiyay, ama uu dhakhsaday", waana xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban
ee Saxiix Muslim\‫صحيح مسلم‬.
Zamankii jaahiliyadana Carabtu markay maalintaas halkaas yimaadaan, intay waadiga dhex
istaagaan ayay aabayaalkooda isugu faani jireen. Krishtaankuna markay halkaas marayaan way
ku hakan jireen oo ku raagi jireen, ayagoo xusaya ciidankoodii halkaas lagu halligay.
Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu sharci ka dhigay in
krishtaanka la khilaafo oo waadigaas dhakhso loo maro.
Al Nnawawii\‫النووي‬
Al Nnawawii\‫ النووي‬wuxuu kitaabkiisa Al Majmuuc\‫ المجموع‬ku yiri:
“Waadii Muxassir\‫ وادي محسر‬waxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo halkaas lagu xabbisay
maroodiga asxaabu al fiili\‫ أصحاب الفيل‬oo sii socodka laga celiyay. Ilaahay Tacaalaa\‫هللا تعالى‬
wuxuuba yiri:
ِ ‫ب إِلَ ْي َك اْلبصر َخ‬
)4( ‫اسًئا َو ُه َو َح ِس ٌير‬
ْ ِ‫َي ْن َقل‬
َُ َ
“Yanqalib ilayka al basaru khaasi’an wa huwa xasiirun(4)”
Waana Aayadda afaraad ee Suuradda Tabaarak\‫ سورة تبارك‬oo macneheedu yahay:
“araggaagu, waana indhahaagee, waxay kuu soo noqonayaan ayagoo hungoobay oo waxay
doonayeen iyo meeshay rabeen inay gaaraan gaari waayay oo laga celiyay(4).”
Waadii Muxassir\‫ وادي محسر‬waa meel u dhexeysa oo kala qaybisa Mina\‫ منى‬iyo Al Muzdalifah
\‫ المزدلفة‬oo middoodna kama tirsana oo ka mid ma aha. Al Azraqii\‫ األزرقي‬wuxuu yiri:
“Waadii Muxassir\‫ وادي محسر‬waa shan boqol shan iyo afartan diraac…waxaana habboon in
marka la goynayo degdeg loo maro ayadoo lagu dayanayo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Calaa Aalihi Wa Sallam…Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬markuu isagoo
daabaddiisa fuushan Waadii Muxassir\‫ وادي محسر‬marayo wuxuu oran jiray:
‫إليك تعدوا قلقا ودينها \\ مخالفا دين النصارى دينها‬
49
Ilayka tacduu qaliqan wa diinuhaa/mukhaalifan diina Al Nnasaaraa Diinuhaa
Tixda macneheedu waxaa weeye:
Adigay kuu soo ordaysa hashu (waxaana laga wadaa ninbka saaran) ayadoo walwalsan oo
daallaan, una soo degdegeysaa Adiga adeeciddaada/ayadoo diinteedu khilaafsan tahay diinta
krishtaanka.
…inta waadigaas dhexdiisa xoog loogu soconayana waa in le’eg meeshuu waadigu ka bilowdo
ilaa meeshuu ku dhacayo dhagax bartaas laga tuuray, sida ku sugan Al Muwadh-dha’‫ الموطأ‬ee
Maalik\‫ مالك‬oo Naafac\‫ نافع‬ka wariyay inuu ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬yiri:
“wuxuu hashiisa xoog ugu dhaqaajin jiray bartamaha Waadi Muxassir\‫ وادي محسر‬in la mid ah
meeshuu gaaro dhagax la tuuray.”
Waa intaas warka Al Nnawawii\‫النووي‬.
Al Haytamii\‫الهيتمي‬
Al Haytamii\‫ الهيتمي‬, ahna Al Imaamu Axmad bin Muxammad bin Calii bin Xajar Al Haytamii
Al Sacdii, Al Ansaarii\‫اإلمام أحمد بن محمد بن علي بن حجر الهيتمي السعدي األنصاري‬, kuna dhashay Abii
Al Haytam\‫ أبي الهيتم‬ee dalka Masar\‫ مصر‬sagaal boqol iyo sagaal Hijriga laguna oofsaday
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬sanadka sagaal boqol afar iyo toddobaatanka Hijriga loona
yaqaanno Ibnu Xajar Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬oo sharxay kitaabka Al Nnawawii\‫ النووي‬ee Al
Iidaaxu fii Manaasiki Al Xajji\‫ اإليضاح في مناسك الحج‬wuxuu sababta loo degdegayo ka dhigay oo
uu yiri:
“si looga badbaado inay ku dhacdo cathaabi markay marayaan Waadii Muxassir\‫وادي محسر‬
waxaa suunno ah in la degdego oo xoog loo socdo cabsi laga qabo inay ku dhacaan wax la mid
ah wixii ayaga (kuwa maroodiga watay) ku dhacay oo kale xattaa hadduusan markaas xaj ku
jirin: waxaa sunno ah in cidda marta magaalada qawm la cathaabay, sida magaalada Thamuud
\‫( ثمود‬oo la yiraahdo Al Xijru\‫الحجر‬, kuna taalla waqooyiga Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ )المنورة‬inuu socod dheereeyo cabsi laga qabo inuu haleelaan wax la mid ah wixii ayagaas
haleelay oo kale oo cathaab ah.”
Waa intaas warkiisu.
Al Balaadii\‫البالدي‬
Al Balaadii\‫ البالدي‬wuxuu yiri:
“Muxassar\‫ محسر‬waa waadi yar kana yimaada jihada qorrax kasoo bax ee buurta wayn ee
Thabiir\‫ ثبير‬darafta Thaqabah\‫ثقبة‬, kaddibna aada xagga Waadii Curanah\‫وادي عرنة‬, markaasuu
markuu marayo inta u dhexeysa Mina\‫ منى‬iyo Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬isagaa xuduud u kala ah
labadooda oo kala qaybiya.
Kaddib wuxuu aadaa xagga koofureed, daadkiisuna wuxuu maraa Caynu Al Xusayniyah ‫عين‬
\‫ الحسينية‬agteeda ka hor intuusan ku biyo darin Curanah\‫عرنة‬.
Intaas ka horna waxay isku biyo darsadaan saddexda waadi ee Al Mafaajir \‫ المفاجر‬oo ay
markaas hal waadi wada noqdaan. Maantana waa camiran tahay meeshay isugu yimaadaan
waxayna noqotay xaafad ka mid ah xaafadaha Makkah\‫مكة‬. Waadiga Muxassir\‫ محسر‬beero
50
kuma yaallaan iyo degmooyin toona, dadka caammadiisuna waxay yaqaannaan meeshuu maro
xaajigu oo u dhexeysa Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬iyo Mina\‫منى‬, halkaasna wuxuu ku leeyahay
calaamado suran oo tilmaamaya (maantana calaamadahaasu ma jiraan oo laa la fujiyay: waa
hore oo ilaa toban sano laga joogo anigu calaamadaahaas waan arkay waxaana ku dhignayd
“Waadi Muxassir\‫”وادي محسر‬. Hadana ma jiraan oo waa la fujiyay: xasanwali) .
Dadka badankiisuna way socod dheereeyaan markay goynayaan, una socod dheereynayaan oo
u rucleynayaan siday u rucleeyaan Al Saffaa iyo Al Marwah \‫ الصفا والمروة‬dhexdooda oo
kale…Sunnadaas waxaa weli ku taagan dadka lugaynaya, baabuurtuse ma awooddo inay
ruclayso oo wayba gurguuranayaan badida dadka iyo zaxmada daraadeed…”. Waa intaas
warkiisu.
Ari raacidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuu karaameyn jiray oo uu waynayn jiray Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisana hal weel ayay wax ka wada cuni
jireen.
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis u sheegay inuu
doonayo inuu ari raaco, awoowihiisna waa ka yeelay, wuxuuna ku yiri:
"Wax ka raac ariga reer Banii Haashim\‫بني هاشم‬."
Sidaas ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ariga reer Banii Haashim ‫بني هاشم‬
buuraha iyo miyiga Makkah\‫ مكة‬ugu raaci jiray.
.
Buurta Jabalu Abii Qubays\‫جبل أبي قبيس‬
Al Azraqii\‫األزرقي‬
Sidaan u arki doonno, awoowihiis wuxuu la fuulay dusha buurtaan isagoo ku roob doonaya
Sallaa Allaaha Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isagoo kuray ah.
Al Azraqii\‫ األزرقي‬, oo dhintay laba boqol iyo konton Hijriga, sidaan uga soo qaatay kitaab aan
internetka ka helay (www.waqfeya.com) wuxuu yiri:
“iyo masjid la yiraahdo “Masjidu Ibraahiim\‫”مسجد إبراهيم‬..waana Ibraahiim Al Qubaysii ‫إبراهين‬
‫( القبيسي‬mana ah Ibraahiim Al Khaliil\‫ )إبراهين الخليل‬oo ku yaalla buurta Abuu Qubays\‫أبوقبيس‬
dhaladeeda. Buurtaanna waxaa Abuu Qubays looga bixiyay inuu nin la yiraahdo Abuu
Qubays\‫ أبوقبيس‬oo u dhashay qabiilka Iyaad\‫( إياد‬ahna walaalka la dhashay Mudar\‫ مضر‬oo ah
awoowaha lix iyo tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam, iyo Anmaar\‫ أنمار‬oo markay walaayada\‫ والية‬Baytka ku xad gudbeen xoog Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬looga saaray sida Iyaad\‫ إيا‬looga saaray oo kale markay Xaramka ku
xad gudbeen oo ay fasaad la yimaadeen, iyo Rabiicah\‫ ربيعة‬oo uu ku abtirsado boqorka Ali
Sucuud\‫ أل سعود‬oo hadda xukuma Boqortooyada Sucuudiga haya oo isaguna buurtaas dusheeda
guri ka dhistay)..Buurta ugu horreysa ee arliga la dhigay markuu dhaqaaqay waa buurta Abuu
Qubays\‫أبوفبيس‬.” Waa intaas warkiisu.
51
Ina Al Zzubayr\‫إبن الزبير‬
Buurtaas dusheeda waxaa isaguna waagiisii guri ka dhistay Amiiru Al Mu’miniina Cabdu
Allaahi bin Al Zzubayr bin Al Cawwaamu\‫ أمير المؤمنين‬،‫ عبد هللا بن الزبير بن العوام‬markuu
ummadda islaamka boqorkeeda ahaa, caasimaddiisuna ay Makkah\‫ مكة‬ahayd.
Al Balaadii\‫البالدي‬
Al Balaadii\‫ البالدي‬wuxuu yiri:
“wuxuu ka mid yahay kuwa ugu caansan buuraha Makkah \‫ مكة‬in kastoo uusan ka mid ahayn
kuwa ugu waawayn, waxaadna arkaysaa inuu uga soo fooraro Al Masjidu Al Xaraamu ‫المسجد‬
\‫ الحرام‬dhanka qorrax kasoo bax, wuxuuna ku biyo shubaa inta u dhexeysa Shicbu Calii\‫شعب علي‬
iyo (buurta) Al Khandamah\‫الخندمة‬.
Abuu Qubays\‫ أبوقبيس‬wuxuu ku yaalla inta u dhexeysa Shicbu Caliyyi \‫ شعب علي‬iyo
Ajyaad\‫أجياد‬..dhaladiisana waxaa ku yaalla masjid la yiraahdo “Masjidu Bilaal\‫ ”مسجد بالل‬aanna
loo nisbeyn Bilaal bin Abii Rabaax\‫ بالل بن أبي رباح‬siday dadka qaarkiis u moodayaan.” Waa
intaas warkiisu.
Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghnii\‫د\محمد إلياس عبد الغني‬
Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghnii\‫ د\محمد إلياس عبد الغني‬wuxuu yiri:
“Jabalu Abii Qubays\‫ جبل أبي قبيس‬waa buurta Al Saffaa\‫ الصفا‬dusheeda ah, kuna dheggan Al
Masjidu Al Xaraamu\‫المسجد الحرام‬. Buurtaasi waxay badda ka korreysaa afar boqol iyo labaatan
mitir. Salkeeda iyo fiideeduna waxay isku jiraan boqol iyo labaatan mitir, waxaana magacaas
loogu bixiyay inuu markii ugu horreysey uu korkeeda degay nin la yiraahdo Abuu
Qubays\‫أبوقبيس‬. Sababo kalena waa la sheegay.
Waqtigii Jaahiliyada waxaa kaloo la oran jiray Al Amiinu\‫األمين‬, oo macneheedu yahay midka
aaminka ah, maxaa yeelay waxaa la dhigay oo lagu amaaneystay Xajarul Aswadka\‫الحجر األسود‬,
sida uu Al Bukhaari\‫( البخاري‬xadiithka 3231) Cabdullaahi bin Camr\‫ عبد هللا بن عمر‬, Allaha raalli
ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri:
"Dhagaxa Madow\‫ الحجر األسود‬wuxuu kasoo degay Samada, markaasaa la dul dhigay Abuu
Qubays\‫ أبوقبيس‬isagoo ah qaaruurad kristall ah oo cad, halkaasoo uu afartan sano ku sugnaa,
markaas kaddib markuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Rukniga dhisay ayaa halkaas la dhigay."
Jabalu abii Qubays\‫ جبل أبي قبيس‬waa mid ka mid ah labada buurood ee Makkah\‫ مكة‬ee la
yiraahdo Al Akh-shabaani\‫ األخشبان‬oo macneheedu yahay buurta wayn, midka kalena waa
buurta la yiraahdo Jabalu Qaciiqaan\‫ جبل قعيقان‬oo Masjidka xagga Waqooyi iyo Waqooyi
Galbed ka xigtah, waana labad buurood oo uu Malagga Buuruhu\‫ ملك الجبال‬Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"Muxamadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad rabtid inaan ku awdo (Makkah\‫مكة‬
iyo dadka deggan) labada Akh-shab\‫األخشبان‬, waan yeelayaa", uuna Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ku yiri:
52
".‫"بل أرجو أن يخرج هللا عز وجل من أصالبهم من يعبد هللا عز وجل وحده‬
"Bal arjuu an yukhrija Allaahu Cazza wa Jalla min aslaabihim man yacbudu Allaaha
Cazza wa Jalla Waxdahu."
Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye:
"(Maya buuraha ha isugu dhufan oo yeeyan sidaas reer Makkah\‫ مكة‬ku halaagmine) Bal
waxaan rajo ka qabaa inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla‫ هللا عز وجل‬, dhabarradooda kasoo saaro
kuwo Ilaahay Cazza wa Jalla‫ هللا عز وجل‬Keligiis caabuda."
Waana xadiithka 3231 ee Al Bukhaari\‫البخاري‬.” Waa intaas warkiisu.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬oo wiil magangeliyay
Imaam Al Tha-habii\‫ األمام الذهبي‬wuxuu Siyaru Aclaamu Al Nubalaa'i\‫ سير أعالم النبالء‬Juzka
koowaad bogga saddex iyo soddon ninka la yiraahdo Jalhamah bin Curfudha\‫ جلهمة بن عرفطة‬ka
wariyay inuu yiri:
"Anigoo ku sugan Al Qaac\‫ القاع‬ee Namirata\‫ نمرة‬ayaa waxaa (Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ )المكرمة‬soo galay Safar ka yimid dusha Najd\‫نجد‬, markaasey markay la siman yihiin Kacbada
ayaa wiil wuxuu iska soo tuuray rati xaggiisa dambe, oo intuu soo orday wuxuu ku dhegay
marada Kacbada saaran, kaddibna wuxuu la qayliyay oo uu yiri:
"Rabbiga Gurigaanow i magan geli."
Markaasaa waxaa u yimid oday qurxoon wajigiisuna quruxsanyahay oo haybadda Boqorka leh
iyo waynaanta xukamada wax xukuma, oo yiri:
"Wiilow, anigu waxaan ka mid ahay ehelka Ilaahay\‫ أهل هللا‬oo waan magan geliyaa ciddii Isaga
magangelyo waydiisata, ee arrinkaagu muxuu yahay?"
Wiilkii wuxuu yiri:
"Aabahay wuxuu dhintay anigoo yar, midkaan ayaana i addonsaday, waxaanna maqli jiray
inuu Ilaahay guri leeyahay gardarrada iyo thulmiga reeba, marka markaan Gurigaas arkay
ayaan magan galay."
Markaasuu ninka Qurayshta\‫ قريش‬ahaa wuxuu ku yiri:
"Wiilow waan ku magan geliayay."
Jalhamah\‫ جلهمة‬wuxuu yiri:
"Ninkii reer Jundac\‫ جندع‬ahaana (oo wiilkaas thulmiyayna) gacantiisii ayaa luquntiisa ku
dhegtay."
Jalhamah\‫ جلهمة‬wuxuu yiri:
"xadiithkaan ayaan waxaan u sheegay Camr bin Khaarijah\‫عمرو بن خارجة‬, oo ahaa fulayga
tolka, markaasuu wuxuu yiri:
"Odagaasi wuxuu leeyahay wiil uu dhalay, uuna ka wado Abuu Dhaalib bin Cabdu Al Mudhdhalib\‫أبوطالب بن عبد المطلب‬."
Jalhamah\‫ جلهمة‬wuxuu yiri:
53
"markaasaan ratigayga ku booday oo aan fuulay soona aaday xagga Tihaamata \‫( تهامة‬waa
gobolka ay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
ku yaalliin) oo aan xoog usoo eryay ilaa aan Al Masjidu Al Xaraamu\‫ المسجد الحرام‬ka imid.
Halkaas ayaan ku arkay Quraysh\‫ قريش‬oo kooxo kooxo ahoo nuunaasaya oo roob doon u Alle
baryaysa. Markaasaa midkood wuxuu yiri:
"Al Laata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫ العزى‬barya oo ku tiirsada."
Mid kalena wuxuu yiri:
"Waxaa baridaan oo aad ku tiirsataan Manaata\‫ مناة‬midda saddexaad oo kale."
Markaasaa oday qurxoon oo wajigiisuna quruxsanyahay, taladiisuna ay aad u fiican tahay ayaa
wuxuu yiri:
"Maxaa runta iyo xaqqa la idiinka duwayaa ayadoo ay wali idinku dhex sugantahay haraaga
Diintii Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Calayissalaamu, ayna idinku dhex jiraan ubadkii Ismaaciil \‫"? إسماعيل‬
Markaasey raggii waxay ku yiraahdeen:
"Waxaad mooddaa inaad Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬ka wadid (oo ah isaga Cabdu Al Mudh-dhalib
\‫ عبد المطلب‬wiilkiisa).
Markaasuu wuxuu yiri:
"Waa sidaas."
Markaasey dhammaantood keceen, aniguna aan la kacay, oo aan markaas albaabka ku
garaacnay. Markaasaa waxaa noo soo baxay nin waji qurxoon oo garkiisa midabka hurdiga
mariyay, macawisna guntan. Markaasey ku keceen waxayna yiraahdeen:
"Abuu Dhaalibow\‫أبوطالب‬, waadigii (waa Makkah) waa abaareystay, addoommadiina way
oomeen, ee soo kac oo u roob doon."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Aayarkiinna intay qorraxdu cirka beerkiisa ka iilanayso, dabayshuna ay ka degeyso".
Markaasey markay qorraxdiina ay bartamah cirka ka wareegtay, ama ay ku sigatayba, ayuu
Abuu Dhaalib‫ أبوطالب‬soo baxay ayadoo uu la socdo wiil aad moodid qorrax hoos kaa xigay oo
markaas daruurtii qarinaysay laga fayday, hareerihiisana ay wiilal kale joogaan.
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبوطالب‬wiilkaasuu soo qaaday oo uu dhabarkiisa Kacbada ku
dhejiyay, isagoo fartiisana wiilka ku fiiqay oo ku dhejiyay, ayadoo ay wiilashii kalena
hareerihiisa dhaqdhaqaaqayaan, cirkuna uusan caad yar oo daruur ah lahayn.
Markaasey daruurihii dhinacaan iyo dhinacaanba oo ay dhinac walba ka yimaadeen oo uu roob
xoog leh oo dhibco badan da'ay, oo uu waadigii biyo keenay, oo magaalo iyo miyiba ay cagaar
noqdeen oo barwaaqoobeen.
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبوطالب‬wuxuu yiri:
‫وأبيض يستسقى الغمام بوجهه \\ ثمال اليتامى عصمة لألرامل‬.1
54
.‫تطيف به الهالك من آل هاشم \\ فهم عنده في نعمة وفواضل‬.2
"1. Wa abyada yustasqaa al ghamaamu bi wajhihi Thimaala al yataamaa cismatun lil araamili.
(2) Tadhiifu bihi al hallaaka min aali Haashim Fahum cindahu fii nicmatin wa fawaadili."
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Waa cadyahay oo waa gob oo wajigiisa ayaa lagu roob doonayaa oo roob lagu helaa, waana
midka u quma danaha agoommada ilaalinna u ah kuwa saboolka ah iyo haweenka garoobka ah.
(2) Reer Haashim\‫ بني هاشم‬way u dhimanayaa daraadiis iyo difaaciisa, oo agtiisay waxay ku
yihiin kuwo loo nicmeeyey oo deeq dheeri ah la siiyay."
Carafaat\‫عرفة‬
Awoowihiis isagoo kuray ah ayuu Carafo la tegey oo ku roob doonay, Sallaa Allaahy Calayhi Wa Sallam.
Carafaat\‫ عرفة‬waa ban wayn oo Makkah al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬xagga Koofur-Bari ka
xigah, kana baxsan xuduudda Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬.
Bankaasi wuxuu Al Masjidu Al Xaraamu\‫ المسجد الحرام‬u jiraa labo iyo labaatan kiiloomitir.
Bankaas waxaa Carafaat\‫ عرفة‬loogu bixiyay sababtaan soo socota.
Nabi Aadan\‫آدم‬, Calayhissalaamu, iyo abooto Xaawo\‫ حواء‬markii Jannada laga soo saaray oo
adduunkaan loo soo dejiyay, waxay kusoo degeen laba meelood oo kala duwan.
Aadan‫ آدم‬wuxuu kusoo degay buur la yiraahdo Bawth\‫( بوذ‬waa tha korka dhibic ku leh oo dha
ku xigta)(lana yiri waa buurta adduunkaan ugu dheer oo ah Buurta Everest oo ku taalla dalka
Tibet ee Asiya), Xaawana\‫ حواء‬Degmada Jiddah\‫ جدة‬ee arliga Makkah\‫مكة‬.
Markaasuu Aadan‫ آدم‬soo lugeeyey isagoo Xaawo\‫ حواء‬raadinaya, waxayna iska heleen
bankaas, oo waxaaba la yiraahdaa in guriga afar geesoodka ah oo buurta u dhow oo bidixda ka
qabanaya qafka mawqifkii Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taagaan, oo
darafta Jabalu Al Rraxmah\‫ جبل الرحمة‬uu wajigiisu ku jeedo, oo uu sidaas isaga iyo Qiblada ugu
dhexeeyo, gurigaas waxaaba la yiraahdaa Baytu Aadam \‫ بيت آدم‬oo ah guriga Aadan‫آدم‬,
halkaasoo xujayda laga waraabin jiray.
Xaawo\‫ حواء‬waxaa la yiraahdaa inay ku duugan tahay Jiddah\‫جدة‬, oo magaladaasba ayada
daraadeed ayaa magaca loogu bixiyay, ayadoo Jiddah\‫ جدة‬macneheedu yahay ayeeyo.
Marka magaca Carafaat\‫ عرفة‬wuxuu ka yimid erayga tacaarafuu\‫ تعرفوا‬oo ah way isku
aqoodeen.
Inay Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬labadaas meelood ku soo kala degeenna waxaa wariyay
kutubbo badan, uuna ka mid yahay Taariikhu Al Dhabarii \‫ تاريخ الطبري‬Mujalladka koowaad,
boggiisa sagaal iyo toddobaatan.
55
Waxaa kaloo la yiri waxaa Carafaat\‫ عرفة‬loogu bixiyay in Malag Jibriil\‫ملك جبريل‬,
Calayhissalaamu, markuu Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, manaasikta xajka, waa
axkaamtiisee, baray uu waydiiyay:
"Hal carafta\‫ "?هل عرفت‬oo ah "Ma aqootay?", Nabiguna uu yiri: "Haa\‫"نعم‬.
Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha labadoodaba raalli ka noqde, wuxuu yiri taas ayaa u sabab
ahayd in Carafaat\‫ عرفة‬loo bixiyay.
Waxaa kaloo la yiri in Carafaat\‫ عرفة‬loogu bixiyay ayadoo uu meeshaas dadku dambiyadooda
ku qirtaan oo ah "yactarifuuna\‫"يعترفون‬. Sababo kalena waa la sheegay.
Masaaxadda ama dhulka ay ku fadhido Carafaat\‫ عرفة‬waa toban kiiloomitir iyo afar boqol oo
mitir oo wareegsan, xuduudeheeduna way calaamadeysan yihiin.
Banka Carafaat\‫ عرفة‬waxaa Maalinta Sagaalaad ee bish Thul Xajjah\‫ ذوالحجة‬isugu yimaada
xujayda oo idil, ayagoo ay halkaas Salaadaha Thuhur iyo Casar oo la gaabiyay oo middiiba ay
laba Rakco tahay jamac lasoo hormariyay waqtiga Thuhurka ku tukanayaan. Waxay ku
tukanaya hal Athaan iyo laba Iqaamo. Kaddibna ayagoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ku dayanaya ayay halkaas ku ducaysanayaa.
Qofkaan Sagaalaadka banka Carafaat\‫ عرفة‬ku sugnayn, xaj ma laha, waxaana u daliil ah inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ و "كل عرفة موقف‬،"‫"الحج عرفة‬
"Al Xajju Carafah" iyo "Kullu Carafah Mawqif",
oo macnohoodu yahay
"Xajku waa Carafo" iyo "Carafoo kulligeed waa Maqif" oo meeshaad ka istaagtaba waa kaa
rogeysaa, waana kuu jirtaa.
Xadiithkaan waxaana lagu wariyay Majmacu Al Zawaaid ee Ibnu al Athiir\‫مجمع الزوائد ألبن األثير‬
mujalladka saddexaad bogga laba boqol sagaal iyo konton.
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Carafo\‫ عرفة‬Quraanka ayuu ku xusay,
wuxuuna Aayadda boqol sideed iyo sagaashan ee Suuratu Al Baqarah\‫ سورة البقرة‬ku yiri:
ِ ِِ ِ
ِ َّ
ٍ
ِ ْ َ‫فَِإ َذا أَف‬
ِ
ِّ
‫ين‬
َ ‫ضتُ ْم م ْن َع َرفَات فَا ْذ ُك ُروا اللهَ ع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرام َوا ْذ ُك ُروهُ َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال‬
)195(
"Fa ithaa afadtum min Carafaatin fa athkuruu Allaaha cinda al Mashcari al Xaraami wa
athkuruuHu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi lamina al ghaafiliina."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Markaad ka soo gaddoontaan Carafo\‫عرفة‬, ku xusa Ilaahay Mashcarul Xaraamka\‫المشعر الحرام‬
agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiisa kuwo dhunsan."
56
Amiiru al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن‬
\‫الخطاب‬, Allaaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri: "Aayadda: (waana Aayadda saddexaad ee
Suuratu Al Maa'idah\‫)سورة المائدة‬
ِ
ِ ِ
ِْ ‫يت لَ ُكم‬
‫اْل ْس ََل َم ِد ًينا‬
ُ ‫ت لَ ُك ْم ِد َين ُك ْم َوأَتْ َم ْم‬
ُ ‫اْل َي ْوَم أَ ْك َمْل‬
ُ ُ ‫ت َعلَ ْي ُك ْم ن ْع َمتي َوَرض‬
Al Yawma akmaltu lakum Diinakum wa atmamtu calaykum nicmatii wa radiitu lakumu
al Islaama Diinan" waxay kusoo degatay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo Carafaat\‫ عرفة‬ku sugan."
Aayadda macneheeduna waxaa weeye:
"Maantaan idiin kaamilay Diintiinna waxaanna idiin taam yeelay korkiinna nicmadayda,
waxaanna idiinka raalli noqday Islaamka Diin ahaan."
Xadiithkaan waxaa wariyay Al Bukhaarii\‫البخاري‬, waana xadiithkiisa afar kun afar boqol
toddoba.
Jabalu Al Rraxmah\‫جبل الرحمة‬
Jabalu Al Raxmah\‫ جبل الرحمة‬waa buur ku taalla banka Carafaat\‫عرفة‬, macnaha
magaceeduna waa Buurta Naxariista. Waxaa kaloo la yiraahdaa Jabalu Ilaalu\‫جبل اإلالل‬,
looguna bixiyay inay dadka usoo socda Carafo\‫ عرفة‬Sagaalaadka ay marka isaga arkaan
oo uu u muuqdo, socodka kusii dadaalaan si ay dhakhso mawqifka u yimaadaan, oo alluu
\‫ ألوا‬waxaa weeye socodkay ku dadaaleen oo dheereeyeen.
Buurtaas waxaa kaloo la yiraahdaa Al Naabitu\‫ النابت‬oo macneheedu yahay midka soo
dhashay, oo meel ban ah ayuu ka taagan yahay sida geed soo dhashay oo kale.
Waxaa kaloo la yiraahdaa Al Quraynu\‫القرين‬.
Waxaa kaloo la yiraahdaa Jabalu Al Dducaa'i\‫جبل الدعاء‬. Buurtaasi waa buur gaaban oo
dhagax waawayn oo sulub ah ka samaysan, waxayna ku taallaa dhanka qorrax kasoo bax
ee banka Carafo\‫عرفة‬, waxayna Masjidu Namirata\‫ مسجد نمرة‬u jirtaa hal kiiloomitir iyo
nus.
Haddii xagga Koofur laga tafo buurtaas waxaa dusheeda lagu gaaraa boqol iyo sideed iyo
lixdan jaranjaro oo ayada laga qoray. Buurta dusheedu waa dhul siman, uuna ku
wareegsanyahay darbi gaaban oo toddoba iyo konton sentiimitir kor u qaadan.
Buurta hoosteeda waxaa ku yaalla Masjidu Al Sakharati\‫ مسجد الصخرات‬iyo barkadda
dhuuban ee biyaha keeni jirtay waagii hore lana yiraahdo Caynu Zubaydah\‫ عين زبيدة‬,
haweentaanoo ah Haaruun Al Rashiid\‫ هارون الرشيد‬hooyadiis oo hawshaas qabatay,
Allaha ka abaal mariyee.
57
Buurta salkeeda, xagga dhulka siman, waxaa kaloo ku yaalla dhuumo afar mitir kor u
taagan oo dadka biyo qabow kusoo rusheeya marka jawigu kulul yahay Maalinta
Carafo\‫عرفة‬.
Buurtu waxay badda ka korreysaaa saddex boqol iyo labo iyo toddobaatan mitir, salkeeda
iyo fiideeduna waxay isku jiraan oo ay kor u taagan tahay shan iyo lixdan mitir, wareegga
salkeeduna waa lix boqol iyo afartan mitir.
Carafaat\‫ عرفة‬iyo Mina\‫ منى‬iyo Al Muzdalifata\‫ المزدلفة‬ma bannaana in dhulkooda qof inta
loo gooyo uu yeesho oo uu dhisto, ayadoo uu taasi Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, reebay, ayadoo arligaas wada leedahay Ummadda Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo idil ilaa Yawmul Qiyaamaha.
Xadiithkaas ku saabsanna waxaa wariyay Al Xaakim\‫الحاكم‬, yirina waa Saxiix:
".‫"منى مناخ من سبق‬
"Minaa manaakhu man sabaqa",
oo ah:
"Mina\‫ منى‬waxaa gadiidkiisa ku furanaya oo degaya hadba kan usoo horreeyey."
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬wuxuu Caa’ishah\‫ عائشة‬ka wariyay in Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la weydiiyay in guri looga dhiso Mina\‫ منى‬markaasuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
".‫"منى منزل من سبق‬
“Minaa manzilu man sabaqa”
oo macnihiisu yahay:
“Mina\‫ منى‬waa degmada habda kan usoo hormara.”
Mawqifka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Jabalu Al Raxmah\‫ جبل الرحمة‬dhankiisa hoose waxaa ah dhagax waawayn oo uu agtooda
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, istaagay Sagaalaadka Xajjatul
Wadaaci\‫ حجة الوداع‬. Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"وقفت ههنا وعرفة كلها موقف‬
"Waqaftu haahunaa wa Carafah kulluhaa Mawqif"
oo macneheedu yahay:
"Anigu halkaan ayaan istaagay Carafo\‫ عرفة‬kulligeedna waa mawqif la istaago."
58
Masjidu Al Sakharaati\‫مسجد الصحرات‬
Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii\‫ د\محمد إلياس عبد الغني‬wuxuu yiri:
“Wuxuu ku yaalla Carafaat\‫ عرفة‬dhanka hoose ee buurta Jabalu Al Rraxmah\‫جبل الرحمة‬
wuxuuna midigta ka qabanayaa qofka masjidkaas xaggiisa buurta u tafaya. Masjidku in
yar ayuu dulka ka kacsan yahay oo ka korreeyaa waxaana lagu wareejiyay darbi gaaban,
waxaana dhexdiisa yaalla dhagax waawayn oo uu agtooda istaagay Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam galabta Carafo \‫ عرفة‬isagoo hashiisa
Al Qaswaa’\‫ القصواء‬saaran, sida ku sugan Xadiithka Jaabir\‫ جابر‬Allaha raalli ka noqdee oo
wariyay innuu:
“Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam duhurka iyo casarka uu ku
tukaday (bartuu maanta ku yaallo Masjidu Namirah\‫ )مسجد نمرة‬kaddibna uu daabaddiisa
fuulay socdayna ilaa uu ka yimaado mawqifka oo uu markaas caloosha hashiisa Al
Qaswaa’\‫ القصواء‬ku dhejiyay dhagaxdaas waawayn, hortiisana uu yeelay oo u jeedo
dariiqa kuwa lgta ku socda , Qibladuuna u jeestay, sidaasna uu ku sugnaa ilaa ay
qorraxdu ka dhacdo, cir guduudkuna uu tegey xoogaa muuqaalka qorraxduna uu
qarsoomay…”
(waana Xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban ee saxiix Muslim\‫ صحيح مسلم‬kitaabka
Xajka\‫)كتاب الحج‬.
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo mawqifkaas
taagan ayay kusoo degatay Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Maa’idah\‫سورة المائدة‬:
ِ
ِ
ِ ِ
ِْ ‫يت لَ ُكم‬
‫ص ٍة‬
ْ ‫اْل ْس ََل َم ِد ًينا فَ َم ِن‬
ُ ‫ت لَ ُك ْم ِد َين ُك ْم َوأَتْ َم ْم‬
ُ ‫اْل َي ْوَم أَ ْك َمْل‬
َ ‫اضطَُّر في َم ْخ َم‬
ُ ُ ‫ت َعلَ ْي ُك ْم ن ْع َمتي َوَرض‬
ِ
َّ
ٍ ِ ٍ ِ
)3( ‫يم‬
ٌ ُ‫َغ ْي َر ُمتَ َجانف ِْلثْم فَِإ َّن اللهَ َغف‬
ٌ ‫ور َرح‬
Masjidkaas darbigiisu dhankiisa Qiblada xiga dhererkiisu yahay saddex iyo toban mitir
iyo saddex sentiimitir, darbiga kaas midigtiisa ahna dhererkiisu waa sideed mitir. Darbiga
kasoo horjeeda midka Qiblada xigana sida qaanso ayuu u wareegsan yahay oo ma toosna.
Al Shaykh Bakr bin Zayd\‫ الشيخ بكر بن زيد‬wuxuu yiri:
“Qofka buurta dhanka Koofureed ka tafaya waxaa midigta ka qabaneysa meel yar oo
firaashan oo uu darbi gaaban ku wareegsan yahay, oo taaggiisu nus mitir yahay, waxaana
meeshaas la yiraahdaa Masjidu Al Sakharaati\‫مسجد الصخرات‬, oo ah Masjidka dhagaxda
waawayn.” Waa intaas warka doktoorku.
Sunnadu waxaa weeye in markuu imaamku hubsado inay qorraxda maalinta sagaalaad
dhacday inuu Carafaat\‫ عرفة‬ka gaddoomo, dadkuna ay la gaddoomaan, waxayna
niyeysanayaan inay saladda maghrib dib u dhigtaan, ayna jamac iyo qasri ku wada
tukadaan ayada iyo cishaha Al Muzdalifah\‫المزدلفة‬.
59
Masjidu Namirata\‫مسجد نمرة‬
Namirata\‫ نمرة‬waxaa la yiraahdaa buur Masjidka Namirata\‫ مسجد نمرة‬xagga galbeed ka xigta,
oo Masjidka buurtaas ayaa loogu magac daray.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalinta Carafaat \‫ عرفة‬ee Xajjatul
Wadaac\‫ حجة الوداع‬waxaa Qubbad\‫ قبة‬oo ah khaymad looga dhisay Namirata\‫ نمرة‬oo beeshaas
magaceedana ah.
Markay qorraxdu beerka samada ka iilatay ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu u
guuray bartamaha waadiga la yiraahdo Waadii Curanata\‫وادي عرنة‬, halkaasoo uu dadka ugu
khudhbeeyey, kaddibna uu tujiyay.
Salaadda kaddib wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u guuray barta Al
Sakharaati\‫ الصخرات‬ee dhagaxda waaweyn ee buurta Jabalu Al Rraxmah\‫ جبل الرحمة‬hoostiisa ah
ee banka Carafaat\‫عرفة‬. Sidaas waxay ka sugnaatay xadiithka ku saabsan Xajjatul Wadaac ‫حجة‬
\‫ الوداع‬ee uu wariyay Jaabir\‫جابر‬, Allaha raalli ka noqdee, uuna ku yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ijaazo bixiyay oo uu
banneeyey in la guuro, uuna dhaqaaqay ilaa uu ka yimaado Carafah \‫عرفة‬, wuxuuna yimid
ayadoo Namirata\‫ نمرة‬Qubbad\‫( قبة‬khaymad) looga dhisay, markaasuu ku degay. Markay
qorraxdu beerka cirka ka iilatay ayuu amray in loo keeno hashiisa Al Qaswaa'\‫القصواء‬.
Markaasaa loo diyaariyay.
Markaasuu
wuxuu
yimid
bartamaha
waadiga,
halkaasoo
uu
dadka
ugu
khudhbeeyey...Kaddibna waa la Athaamay, kaddibna la Iqaamay. Markaasuu Thuhurka
tukaday. Markaasaa hadana la iqaamay oo uu Casar tukaday...Kaddib wuxuu fuulay hashiisa
wuxuuna tegey Mawqifka\‫الموقف‬, isagoo caloosha hashiisa Al Qaswaa'\‫ القصواء‬u jeediyay
Sakharaadka\‫الصخرات‬, oo ah dhagaxda waawayn, wuxuuna u jeestay Qiblada. Halkaas ayuu ku
sugnaa ilaa ay qorraxdu ka dhacdo."
Waa xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban ee Saxiix Muslim\‫صحيح مسلم‬.
Bartii uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Namirata uga tukaday ayaa bilawga
zamanka Khilaafada Cabbaasiyiinta\‫العباسيين‬, oo ku beegan bartamaha Qarniga Labaad ee
Hijriga, ayaa waxaa laga dhisay Masjidka la yiraahdo Masjidu Namirata\‫مسجد نمرة‬, kaasoo ay
intiisa hore xuduudda Carafaat\‫ عرفة‬ka baxsantahay, oo ayan ka mid ahayn, intiisa dambena ay
Carafaat\‫ عرفة‬ka tirsantahay oo ay xuduuddeeda ku dhex jirto. Hadda Masjidkaas dhererkiisa u
dhexeeya Bari ilaa Galbeed waa saddex boqol iyo afartan mitir, ballaciisuna Waqooyi ilaa
Galbeed waa laba boqol iyo afartan mitir, masaaxadiisuna ama dhulka uu ku fadhiyana waa
boqol iyo toban kun oo mitir oo wareegsan. Waxaa Masjidkaas dhexdiisa ku tukan karta ilaa
sadeex boqol iyo konton kun oo qof.
60
Kitabka"Kitaabu al sh-shajarati Al Nabawiyyati fii Nasabi Khayri Al Bariyyati ‫كتاب الشجرة‬
\‫النبوية في نسب خير البرية‬
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo laga soo tarjumay kitaabka
"Kitaabu al sh-shajarati Al Nabawiyyati fii Nasabi Khayri Al Bariyyati ‫كتاب الشجرة النبوية في نسب‬
\‫خير البرية‬, Sallaa Allaahu Calayhi wa calaa Aaalihi Wasallam, uuna fiiriyay oo uu
dhammaystiray Al Imaamu Jamaalu Al Ddini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al
Maqdisiyyi - ‫اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسي – إبن المبرد‬, al macruufu bin ibni Al
Mubrad, oo noolaa inta u dhexeysay sideed boqo iyo afartan ilaa sagaal boqol iyo sagaal
Hijriga.
Magaca Kitaabka macnihiisu waxaa weeye "Kitaabka geedka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, geedkaasoo ah geedka nasabka khayru al bariyyah oo ah int uu Ilaahay abuuray
midka ugu khayr badan."
Ibnu Al Mibrad\‫ إبن المبرد‬qoyskiisa waxaa la yiraahdaa Banuu Qudaamah\‫ بنوقدامة‬nasabkooduna
wuxuu galaa oo ku dhammaadaa Saalim bin Cumar bin Al Khdh-dhaab\‫سالم بن عمر بن الخطاب‬,
Allaha raalli ka noqdee.
Kaddib waxaa dhawr sano ka hor kitaabkaan hadana hubiyay oo xaqiijiyay oo faallo ku daray
shiikha la yiraahdo Muxyii Al Ddini Mistuu\‫ محيي الدين مستو‬oo dalka Suuriya u dhashay oo reer
Dimashq ah, oo ku daabacay magaalada Dimishiq\‫ دمشق‬ee dalka Suuriya\‫ سورية‬kun afar boqol
afar iyo tobanka Hijriga, una dhiganta kun sagaal boqol saddex iyo sagaashanka. Wuxuuna
sheegay inuu kitaabkaan oo far guri ku dhigan ka helay maktabada Masjidka Nabiga Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, uusanna ku dhignayn magaca qof asaligiisa
dhigay; iyo inuu laba nuskhadoo kale ka helay Maktabatu Al Asad Al Caamirah ‫مكتبة األسد‬
\‫ العامرة‬ee magaalada Dimashq\‫ دمشق‬lagunma daabacay Madhbacada Buulaaq\‫ مطبعة بوالق‬ee Al
Qaahirah\‫القاهرة‬.
Muxyii Al Ddiini Mistuu\‫ محيي الدين مستو‬waa isla sheekha sharxay oo ka qayb qaatay sharaxa
afartanka Xadiith ee Imaamu Al Nawawii\‫ األمام النووي‬soona saaray kitaabka la yiraahdo Al
Waafii fii sharxi al arbaciina Al Nawawiyyah‫ الوافي في شرح األربعين النووية‬oo ay wada dhigeen
isaga iyo Doktoor Musdhafaa Al Bughaa\‫د\مصطفى البغا‬, ahna kitaab aad u qiimo badan oo guri
walba oo muslin ah looga baahan yahay.
Kitaabkana waxaan kasoo qaadannay inta soo socota:
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬walaalihiis
Haashim bin Cabdi Manaaf\‫ هاشم بن عبد مناف‬wuxuu dhalay afar nin iyo shan haween ah, oo
kala ah:
1. Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬.
2. Asad bin Haashim\‫أسد بن هاشم‬.
3. Abaa Sayfiyyi (waa saadka shiinka ku xigah) bin Haashim\‫أبا صيفي بن هاشم‬.
4. Nadlatu bin Haashim (waa daadka dhibicda kor ku leh saadka ku xigah)\‫نضلة بن هاشم‬.
5. Al Shifaa'u bintu Haashim\‫الشفاء بنت هاشم‬.
6. Khaalidatu bintu Haashim\‫خالدة بنت هاشم‬.
61
7. Daciifatu bintu Haashim\‫ضعيفة بنت هاشم‬.
8. Ruqayyatu bintu Haashim\‫رقيه بنت هاشم‬.
9. Xayyatu bintu Haashim\‫حية بنت هاشم‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo Ruqayyatu‫ رقيه‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la
yiraahdaa, sidaan usoo aragnay, Salmaa bintu Camr bin Zayd Al Najjaariyyata ‫سلمى بنت عمروا‬
\‫الجارية‬.
Abuu Sayfiyyi‫ أبو صيفي‬iyo Xayyatana‫ حية‬waa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa
Hinda bintu Camr bin Thaclabah Al Khazrajiyyah\‫هند بنت عمرو بن ثعلبة الخزرجية‬.
Nadlah‫ نضلة‬iyo Al Shifaa'na‫ الشفاء‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Jaxl
bintu Xubayb bin Al Xaarith bin Maalik bin Xudhaydh Al Thaqafiyyah ‫جحل بنت جبيب بن الحارث بن‬
\‫مالك بن حطيط الثقفية‬, oo reer Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhalatay.
Khaalidah‫ خالدة‬iyo Daciifana‫ ضعيفة‬waa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa
Waafidatu bintu Abii Cadiyyi Al Maaziniyyata\‫وافدة بنت أبي عدي المازنية‬.
Asad‫ أسد‬hooyadiis waxaa la yiraahdaa Qaylatu bintu Caamir bin Maalik Al Khazrajiyyi ‫قيلة بنت‬
\‫عامر بن مالك الخزرجي‬.
Waxaa kaloo la yiri inay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo Asad‫ أسد‬ay isku hooyo wada
dhashay.
Ilmaha Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطلب‬
Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬wuxuu dhalay toban nin iyo lix gabdhood, oo kala ah:
Kow. Al Cabbaas\‫العباس‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫ العباس بن عبد المطلب بن هاشم‬waa
farcamay, koofaartiisuna waa Abaa Al Fadl\‫( أبا الفضل‬waa daadka dhibicda korka ku leh oo
saadka ku xigah), oo Al Fadl‫ الفضل‬waa wiil uu dhalay.
Al Cabbaas‫ العباس‬waxay isku hooyo yihiin Diraar\‫ضرار‬, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa
Nutaylatu bintu Janaab bin Kulaybi bin Maalik bin Camr bin Caamir ibnu Zayd Manaat bin
Caamir bin Sacd bin Al Khazraj bin Taymu Allaahi bin Al Namr bin Qaasidh bin Hinb bin
Afsaa bin Ducmiyyi bin Jadiilata bin Asad bin Rabiicata Al Farasi bin Nizaar bin Macaddi bin
Cadnaan ‫نتيلة بنت جناب بن كليب بن مالك بن عمرو بن عامر إبن زيد مناة بن عامر بن سعد بن الخزرج بن تيم هللا بن‬
\‫النمر بن قاسط بن هنب بن أصفى بن دعمي بن جديلة بن أسد بن ربيعة الفرس بن نزار بن معد بن عدنان‬.
Al Cabbaas‫ العباس‬wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka da' wayn
yahay saddex sano. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Al Cabbaas
‫ العباس‬wuu jeclaa, wuuna laazimi jiray oo uu la joogi jiray.
62
Al Cabbaas‫ العباس‬Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ayuu gaalada la joogi jiray isagoo ka
mid ahaa kuwa iimaankooda qarinaya. Isagaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u qaaday Baycada\‫البيعة‬, ama Heshiiska kuwa Ansaarta\‫ األنصار‬ka mid ahaa ee yimid
Al Caqabah\‫ العقبة‬oo ah bar degmada Mina\‫ منى‬ka mid ah, isaagana ballanka uga qaaday, isagoo
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wakiil ka ahna uga qaaday shuruudaha ay
ahaayeen inay oggolaadaan oo ay oofiyaan si uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ugu haajiro oo uu dalkooda u dego.
Al Cabbaas‫ العباس‬wuxuu ahaa deeqsi kariim ah. Maalinta Duullaanka Xunayn\‫حنين‬, markay
dad badani carareen, Al Cabbaas‫ العباس‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayuu la sugnaaday, isagoo gacanta ku haya hoggaanka baqasha uu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, fuushanaa, taasoo ah sugnaanta iyo geesinnimada ugu wayn.
Al Cabbaas‫ العباس‬waxaa ku roob doonay, oo magaciisa Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫سبحانه وتعالى‬, roob iyo waraabin ku waydiistay Amiiru al Mu'miniin Abuuu Xafs Cumar bin
Al Khadh-dhaab\‫أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee. Markaasuu Ilaahay
roob Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waraabiyay.
Walaalkiis Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬dabadiis, Al Cabbaas‫ العباس‬isagaa la wareegay xilka Al
Ssiqaayata\‫السقاية‬, oo ah waraabinta Xujayda.
Wuxuu Al Cabbaas‫ العباس‬islaannimadiisa muujiyay Maalinta Furashada Makkah\‫فتح مكة‬,
wuxuuna Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, kala qayb galay duullaannada Xunayn \‫حنين‬
iyo Dhaa'if\‫ الطائف‬iyo Tabuuk\‫تبوك‬.
Al Cabbaas‫ العباس‬wuxuu Jaahiliyada ku sugnaaday lix iyo konto sano, islaamka dhexdiisana
laba iyo soddon sano. Al Cabbaas, Allaha raalli ka noqdee, waxaa lagu oofsaday Al Madiinah
Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬maalin jimce ah oo ay bisha Rajab\‫ رجب‬tahay laba iyo toban.
Waxaa kaloo la yiri bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ee laba iyo soddonka Hijrada.
Waxaa ku tukaday Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬, Allaha raalli ka noqdee, waxaana
lagu duugay xabaalaha Al Baqiic\‫ البقيع‬, isagoo markaas jira sideed iyo sideetan sano. Allaha Al
Cabbaas‫ العباس‬iyo Qoyska iyo asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam,
dhammaantood raalli ka noqdo, una naxariisto.
Al Cabbaas‫ العباس‬oo yar ayaa lumay, markaasey hooyadiis, oo ka dhalatay qoyska Boqorradda
ee qabiilka wayn ee Rabiicah\‫ربيعة‬, waxay nathartay in hadday wiilkeeda hesho ay Kacbada
Kiswo xariir ah ugu arratiro doonto. Markay heshayna, natharkeeda ayay oofisay oo ay
Kacbada Kiswo xariir ah u labbistay, kiswadaasoo ahayd kiswadii ugu horreysey oo xariir ah
oo Kacbada loo labbiso.
Al Cabbaas‫ العباس‬hooyadiis Nutaylatu\‫نتيلة‬, hooyadeed waa Ummu Xujrin ama Ummu Kurz
bintu Al Azabbu\‫ أم حجر أو أم كرز بنت األزب‬oo reer Bakiil\‫ بكيل‬ee qabiilka Hamdaan\‫ همدان‬u
dhalatay.
63
Ilmaha Al Cabbaas‫العباس‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo
adeerradiis
1. Al Fadlu (waa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku xigah) bin Al Cabbaas ‫الفضل بن‬
\‫العباس‬, waxaana ka hartay gabar Ummu Kulthuum\‫ أم كاثوم‬la yiraahdo.
2. Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas\‫عبد هللا بن العباس‬, oo ah Rabbaaniga\‫الرباني‬, caalinka
ummaddaan\‫عالم هذه األمة‬. Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu dhashay saddex sano Hijrada horteeda,
wuxuuna ku dhashay shicibka Abuu Dhaalib\‫شعب أبي طالب‬, kasoo bixidda halkaas ee Banii
Haashim\‫ بني هاشم‬horteed, intay halkaas ku takoornaayeen, saxiifadda lagu takoorayna ay
Kacbada dhexdeeda ku dhegganayd.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday Cabdu Allaahi ‫عبد هللا‬
oo afar iyo toban sano jirah.
Allaha raalli ka noqdee Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu ku dhintay Dhaa'if\‫الطائف‬, sanadka lixdan
iyo sideed Hijriga ayaamaha Cabdu Allaahi bin Al Zubayr \‫عبد هللا بن الزبير‬, ayadoo uu Ibnu Al
Zubayr\‫ إبن الزبير‬Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ka saaray.
Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas‫ عبد هللا بن العباس‬wuxuu dhintay isagoo toddobaatan iyo afar
sano jirah, waxaana ku tukaday Muxammad Ibnu Al Xanafiyyah\‫محمد إبن الحنفية‬, ina Calii bin
Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, kaasoo afar Takbiiraad kula tukaday.
Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas‫ عبد هللا بن العباس‬wuxuu arkay Malaku Jibriil\‫ملك جبريل‬,
Calayhissalaamu, oo markaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u warramaya.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u duceeyey Cabdu Allaahi bin Al
Cabbas‫عبد هللا بن العباس‬, oo wuxuu yiri:
".‫"اللهم فقهه في الدين وعلمه التأويل‬
"Allaahumma faqqih-hu fii al Diini wa callimhu al ta'wiila"
oo macneheedu yahay
"Ilaahayow Diinta si xeel dherr u bar, macnaha Quraanka iyo Sunnadana bar."
Xadiith kalena wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu duceeyey:
".‫ واجعله من عبادك الصالحين‬،‫ وانشر منه‬،‫"اللهم بارك فيه‬
"Allaahumama baarik fiihi, wa anshur minhu, wa ajcalhu min cibaadika al saalixiina"
oo macneheedu yahay
"Ilaahayow barako geli oo barako dhexdiisa yeel, kana faafi oo ka dhig mid cilmi kasoo baxo
oo laga qaato, kana mid yeel addoommadaada suuban".
64
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬hooyadiis waa Ummul Fadli\‫أم الفضل‬, magaceeduna yahay Lubaabatu
bintu Al Xaarith Al Hilaaliyah\‫لبابة بنت الحارث الهاللية‬,ahna walaasha la dhalatay Ummu Al
Mu'miniin Maymuunata binti Al Xaarith\‫أم المؤمنين ميمونة بنت الحارث الهاللية‬, haweenta Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬hooyadiis Ummu al Fadli\‫ أم الفضل‬waa habaryarta Khaalid bin Al
WaliidAl Makhzuumiyyi\‫ خالد بن الوليد المخزومي‬, oo ay koofaartiisu tahay Sayfullaahi al Masluul
\‫سيف هللا المسلول‬, Seefta Ilaahay Tacaalaa oo galka ka siiban.
3. Cubaydu Allaahi bin Al Cabbaas\‫عبيد هللا بن العباس‬, oo ay walaalkiis Cabdu Allaahi‫عبد هللا‬
isku hooyo yihiin, Cabdu Allaahina‫ عبد هللا‬hal sano ka yaraa. Wuu cirib go'ay oo ubad kama
harin.
4. Qutham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Al Cabbaas\‫قثم بن العباس‬, Cabdu Allaahi
‫عبد هللا‬, caalinka ummaddaan ayayna isku hooyo yihiin iyo Cubaydu Allaahi‫عبيد هللا‬.
Qutham‫ قثم‬waxaa shahiidnimo loogu dilay magaalada Samarqand\‫سمرقند‬, ahna magaaladuu Al
Bukhaarii\‫ البخاري‬ku duugan yahay, )oo hadda dalka Uzbekistan ka tirsan(.
5. Cabdu al Rraxmaan bin Al Cabbaas\‫ عبد الرحمن بن العباس‬oo ay Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬isku
hooyo yihiin. Cirib kama harin, waxaana lagu dilay Shaam \‫الشام‬. Waxaa kaloo la yiri waxaa
lagu dilay Ifriiqiyah\‫( إفريقية‬dalkaas oo ay hadda ka dhasheen dalalka maanta Libiya\‫ ليبيا‬iyo
Tuunis\‫ تونس‬la yiraahdo).
Dhulkaas Ifriiqiyah\‫ إفريقية‬waxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu ahaa Boqorka Yaman \‫يمن‬
oo magaciisu ahaa Afriiqis bin Qays\‫ إفريقس بن قيس‬ninka ugu horreeyey oo degah oo dhisah,
isagoo arligaas dadka Berber\‫ البربر‬la yiraahdo inta arliga Kancaaniyiinta\‫كنعان‬, oo hadda
Filisdhiin\‫ فلسطين‬la yiraahdo, inta ka raray halkaas dejiyay. Kaddibna magacaas ayaa Qaaradda
oo idil loo bixiyay, oo halkaas ayay Afrika ka timid, oo Boqorkaas ayaa loogu magac daray.
6. Macbad bin Al Cabbaas\‫معبد بن العباس‬. Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬ayay isku hooyo yihiin, cirib
ayaana ka hartay. Waxaa shahiidnimo loogu dilay Ifriiqiyah\‫إفريقية‬.
7. Ummu Xabiibah bintu Al Cabbaas\‫أم حبيبة بنت العباس‬, hooyadeedna waa Ummu Al Fadli
bintu Al Xaarith\‫أم الفضل بنت الحارث‬. Ummu Xabiibah‫ أم حبيبة‬waa saxaabiyad.
8. Tammaamu binu Al Cabbaas\‫تمام بنت العباس‬, hooyadiisna waa Ummu waladin\‫أم ولد‬, oo
waxaa dhashay haweeney uu Al Cabbaas‫ العباس‬lahaa. Cirib kama ayan harin.
9. Kathiiru (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) binu Al Cabbaas\‫كثير بن العباس‬, oo faqiih
wayn ahaa, ciribina kama ayan harin.
10. Al Xaarithu binu Al Cabbaas\‫الحارث بن العباس‬, oo ay hooyadiis u dhalatay qabiilka
Huthayl\‫هذيل‬. Ciribina kama ayan harin.
65
11. Subayxu (waa saadka shiinka ku xigah) binu Al Cabbaas\‫صبيح بن العباس‬, hoyadiisna waa
ummu waladin\‫أم ولد‬, oo haweeney uu Al Cabbaas‫ العباس‬lahaa ayaa u dhashay. Ciribina kama
ayan harin.
12. Misharu binu Al Cabbaas\‫مشر بن العباس‬, oo ay Subayxu‫ صبيح‬isku hooyo yihiin. Ciribi
kama ayan harin.
13. Amiinatu bintu Al Cabbaas\‫آمنة بنت العباس‬, ayna u dhashay haweeney uu Al Cabbaas
‫ لعباس‬lahaa.
14. Safiyyatu\‫( صفية‬oo ah saadka shiinka ku xigah), ayna dhashay haweeney uu Al Cabbas
‫ لعباس‬lahaa.
laba. Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Waxaa Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬la yiraahdaa Al Sayyidu Al Mumliqu\‫السيد المملق‬, waxaa kaloo
la yiraahdaa Thaa Al Kiflayni\‫ذا الكفلين‬, maadaama uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kafaalo qaaday.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطاب‬, hooyadiisna waa
Faadhimatu bintu Camr bin Makhzuum Al Qurashiyyata\‫فاطمة بنت عمرو بن مخزوم الفرشية‬, ayadoo
isla markaasna ah hooyada dhashay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, aabihiis, iyo hooyada dhashay Al Zubayru \‫ الزبير‬iyo gabdhaha Cabdu Al
Mudh-dhalib‫ عبد المطاب‬dhammaantood intaan Safiyyata\‫ صفية‬ahayn.
Faadhimah\‫فاطمة‬, Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬hooyadiis, hooyadeed waa Sakhratu bintu Cabd bin
Cimraan bin Makhzuum\‫صخرة بنت عبد بن عمران بن نخزوم‬.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu dhashay shan iyo labaatan sano maroodiga ka hor, wuxuuna
dhintay toban sano Bicthada\‫ البعثة‬kaddib, isagoo shan iyo toddobaatan jir ah, waxaana lagu
duugay Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬.
Isaga hortiis waxaa dhintay walaalkiis Cabdu Allaahi‫عبد هللا‬, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, aabihiis, oo dhintay sanadka maroodiga, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laba bilood uurka hooyadiis ku jiro.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa kafaalo qaaday Abuu Dhaalib ‫أبو‬
‫طالب‬, kaddib markuu sidaas ugala dardaarmay aabihiis Cabdu Al Mudh-dhalib‫عبد المطاب‬,
sababtuna ay ahayd inuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬caruurta Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطاب‬ugu
kariim sanaa, ugu fiicnaa, ugu cod karsanaa, ugu hoggaamiyesanaa, ugu gobsanaa, uguna
qurxoonaa.
66
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu ku roob doonay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, markaasuu Ilaahay Tacalaa\‫هللا تعالى‬, roob siiyay oo uu waraabiyay.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu Makkah\‫ مكة‬iyo Boqorrada agtooda ahba ku lahaa aqoonsi iyo
taageero. Hadalkiisa iyo gabayyadiisana waa la diiwaan geliyay.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuu dhutin jiray ayadoo dagaalladii Al Fijjaari\‫ حروب الفجار‬wax ku
gaareen. Reerkiisa dhexdiisana wuxuu ku lahaa makaan sarreeya, wuxuuna ahaa
hoggaamiyahooda.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku ilaaliyay
afkiisa iyo addinkiisaba, wuuna ammaanay.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬sidaan hore usoo sheegnay wuxuu dhintay saddex sano ka hor Hijrada.
Ilmaha Abuu Dhaalib‫أبو طالب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo
adeerradiis
1. Imaam Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Amiiru Al Mu'miniina\‫أمير المؤمنين‬.
2. Dhaalib bin Abii Dhaalib\‫طالب بن أبي طالب‬, wuxuuna dhintay isagoo aan islaamin. Nabiguu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ammaanay. Walaalkiis Caqiil\‫ عقيل‬ayuu laba iyo toban sano
ka weyn yahay.
3. Caqiilu bin Abii Dhaalib\‫عقيل بن أبي طالب‬, oo Jacfar\‫ جعفر‬ka fac weynaa, kaasoo Imaam
Calii\‫ األمام علي‬toban sano ka waynaa. Caqiil\‫ عقيل‬wuxuu dhintay khilaafada
Mucaawiyah\‫معاوية‬.
4. Jacfar bin Abii Dhaalib\‫جعفر بن ألي طالب‬, waana Jacfar al Dhayyaaru\‫جعفر الطيار‬, oo ah
midka Jannada dhexdeeda baalal leh oo ku duula. Cirib ayaa ka hartay Waxaa shahiidnimo
loogu dilay Duullaankii Mu'tah\‫غزوة مؤتة‬, sanadka sideedaad ee Hijrada. Jacfar\‫ جعفر‬ayaa
dadka ugu ekaan badnaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Walaalkiis Caqiil \‫عقيل‬
ayuu toban sano ka yaryahay, waana awoowaha ay ku abtirsadaan dadka la yiraahdo Al
Jacaafiratu\‫الجعافرة‬.
5. Ummu Haani' bintu Abii Dhaalib\‫أم هانئ بنت أبي طالب‬. Magaceedu wuxuu ahaa Faakhitah
\‫فاختة‬, waxaana kaloo la yiri Hind\‫هند‬, waxayna ka mid tahay haweenka Hijrooday. Maalintii
Makkah\‫ مكة‬la furtay, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ka yeelay oo
uu magan geliyay dad gaalo ahaa oo ay ayadu magan gelisay. Waxay guursatay Hubayrah bin
Wahab Al Makhzuumii\‫هبيرة بن وهب المخزومي‬, waxayna u dhashay Camr\‫ عمرو‬iyo Jacdah\‫جعدة‬.
6. Jumaanatu bintu Abii Dhaalib\‫جمانة بنت أبي طالب‬, oo ka mid ah haweenka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, baayacay. Waxay caruur u dhashay ina adeerkeed Abuu Sufyaan
bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أبو سفيان بن الحارث بن عبد المطلب‬.
Ilmaha Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬way wada islaameen intaan ka ahayn Dhaalib\‫طالب‬.
67
Saddex. Diraaru\‫ضرار‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Diraaru‫( ضرار‬waa daad kor dhibic ku leh) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬,
waxayna isku hooyo yihiin Al Cabbaas\‫العباس‬, hooyadoodna waa Nutaylatu bintu Janaab ‫نتيلة‬
\‫بنت جناب‬.
Afar. Abuu Lahab\‫أبواهب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, adeerkiis
Abuu Lahab‫ أبواهب‬waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬, hooyadiisna waa Lubnaa bintu
Haajira ibnu Cabdu Manaaf bin Daadhir (waa daad dhibic kor ku leh) bin Xubshiyyata bin
Saluul ibnu Kacab bin Saluul bin Camr Al Khuzaacii ‫لبنى بنت هاجر إبن عبد مناف بن ضاطر بن حبشية‬
\‫بن سلول إبن كعب بن سلول بن عمرو الخزاعي‬.
Abuu Lahab‫ أبواهب‬cirib ayaa ka hartay, wuxuuna ku dhintay Al Xudaybiyyah\‫الحديبية‬. Waxaa
Abuu Lahab‫ أبواهب‬loogu bixiyay isagoo wajigiisu qurux la ololayay, koofaartiisuna waxay
ahayd Abaa Cutaybata\‫أبا عتيبة‬. Magaciisuna wuxuu ahaa Cabdu Al Cuzzaa\‫عبد العزى‬.
Ilmaha Abuu Lahab‫أبواهب‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis
1.Cutbatu bin Abii Lahab\‫عتبة بن أبي لهب‬. Waxaa u doonnayd, oo waa la siiyay lamase uusan
aqal gelin, Ruqayyata\‫رقية‬, gabadha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Kaddibna wuu
furay. Markaasaa waxay guursatay Amiiru al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan ‫أمير المؤمنين‬
\‫عثمان بن عفان‬.
Cutbah\‫ عتبة‬wuu islaamay, wuxuuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kala
qayb galay Dagaalka Xunayn\‫حنين‬,wuxuuna ku sugnaaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, agtiisa markay rag badani carareen. Cutbah\‫ عتبة‬wuxuu ku haray Makkah
Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, Madiinana\‫ المدينة‬uma uusan haajirin. Wuxuu islaamay maalinta
Makkah\‫ مكة‬la furtay. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cutbah\‫ عتبة‬wuu u
duceeyey. Cutbah\‫ عتبة‬wuxuu kaloo ka qayb galay Duullaanka Al Dhaa'if\‫غزوة الطائف‬.
2. Cutaybatu bin Abii Lahab\‫عتيبة بن أبي لهب‬, libaax ayaana cunay, kaddib markuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u Alle baryay inuu libaax cuno. Ciribna kama ayan
harin.
3. Mucattibu bin Abii Lahab\‫معتب بن أبي لهب‬, wuxuuna islaamay Maalinta furashada
Makkah\‫مكة‬, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u duceeyey. Maalinta
Xunayn\‫ حنين‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu la sugnaaday, ayadoo
maalintaas isga isha laga dhaawacay. Saddexdaas wiil oo kala ah Cutbatu\‫ عتبة‬iyo
Cutaybatu\‫ عتيبة‬iyo Mucattib\‫معتب‬, hooyadood waa Ummu Jamiil bintu Xarb bin Umayyah
bin Cabdu Shams Xammaalatal Xadhab\‫أم جميل بنت حرب بن أمية بن عبد شمس حمالة الحطب‬, ahna
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\‫ معاوية بن أبي سفيان‬eedadiis aabihiis Abuu Sufyaan\‫ أبوسفيان‬la
dhalatay. Magaceeduna waa Hinda\‫هند‬.
68
4. Durratu bintu Abii Lahab\‫درة بنت أبي لهب‬, waxaana guursday Al Xaarith bin Caamir bin
Nawfal bin Cabdi Manaaf\‫الحارث بن عامر بن نوفل بن عبد مناف‬, waxayna u dhashay Cuqbatu\‫عقبة‬
iyo Al Waliid\‫ الوليد‬iyo kuwa kaleba.
Durratu\‫ درة‬waxay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay axaadiith, waxayna
ka mid tahay asxaabta.
Shan. Al Muqawwamu\‫المقوم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Waa ina Cabdu Al Mudhalib\‫عبد المطلب‬, hooyadiisna waa Haalah bintu Uhayb\‫هالة بنت أهيب‬, oo
Xamzah\‫ حمزة‬ayay isku bah yihiin
Ilmaha Al Muqawwamu‫المقوم‬. Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo
adeerradiis
1. Hindu bintu Al Muqawwamu\‫هند بنت المقوم‬.
2. Arwaa bintu Al Muqawwamu\‫أروى بنت المقوم‬.
Lix. Cabdu Al Kacbati\‫عبد الكعبة‬, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, hooyadiisna waa Faadhimatu bintu Camr bin
Caa'ith\‫فاطمة بنت عمرو بن عائذ‬. Culummada qaarkoodna waxay yiraahdeen waa isla ninka la
yiraahdo Al Muqawwam\‫المقوم‬.
Toddoba. Xamzatu\‫حمزة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ حمزة بن عبد المطلب‬hooyadiis waa Haalatu bintu Uhayb
bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab\‫هالة بنت أهيب بن عبد مناف بن زهرة بن كالب‬, koofaartiisuna
waa Abuu Yaclaa\‫أبويعال‬. Waxaa kaloo la yiri waa Abuu Cumaarah\‫أبوعمارة‬.
Da' ahaan wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka waynaa afar sano.
Xamzah\‫ حمزة‬waa mid ka mid ah labada nin oo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ku xoojiyay
Islaamka markay islaameen, oo ahaa isaga iyo Amiiru al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al
Khadh-dhaab\‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬. Markay labadoodu islaameen Diinta ayaa
kusoo bannaan baxday, oo qarsoodigii ay ku jirtay kasoo baxday.
Labadoodu waxay islaameen sanadka labaad ee Bicthada\‫البعثة‬. Waxaa kaloo la yiri: bal wuxuu
islaamay sanadka lixaad. Ibnu Cabdu Al Barr\‫ إبن عبد البر‬wuxuu kitaabkiisa Al
Istiicaabu\‫ اإليستعاب‬ku yiri:
"Agteyda sax kama aha inuu Xamzah\‫ حمزة‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Xalayhi
Wasallam, afar sano ka wayn yahay, maxaa yeelay isagu waaba walaalka xagga nuugmada ee
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayna wada nuujisay Thuwaybatu\‫ثويبة‬,
69
mawladii Abuu Lahab\‫أبولهب‬. Thuwaybatu\‫ ثويبة‬Islaamka sooma ayan gaarin, hadayan ahayn
inay laba zaman oo kala duwan ay labadooda kala nuujisay."
Waxaa kaloo la yiri: Xamzah\‫ حمزة‬wuxuu da' ahaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka waynaa laba sano. Xamzah\‫ حمزة‬wuxuu ka qayb galay Duullaanka Badar ‫غزوة‬
\‫بدر‬, halkaasoo uu gaalada ku dhigay wacatharo loo jeeday, oo wuxuu goobtaas ku dilay
Cutbah bin Rabiicah\‫ عتبة بن ربيعة‬oo uu mubaarazu ay isku soo bexeen ku dilay. Waxaa kaloo la
yiri: kaas mahayne bal wuxuu dilay midkaas walaalkiis Shaybah bin Rabiicah \‫ شيبة بن ربيعة‬oo
ay mubaarazo isugu soo bexeen. Xamzah\‫ حمزة‬wuxuu kaloo goobtaas ku dilay Dhucaymah bin
Cadiyyi\‫ طعيمة بن عدي‬iyo Sibaaca bin Cabd Camr bin Thaclabah Al Khuzaaciyyi ‫سباع بن عبد عمرو‬
\‫بن ثعلبة الخزاعي‬. Waxaa kaloo la yiri: bal Sibaaca\‫ سباع‬wuxuu dilay Maalinta Uxud\‫أحد‬, intaan
isaga laftiisa la dilin ka hor.
Xamzah\‫ حمزة‬waxaa shahiidnimo loo dilay Maalinta Uxud\‫يوم أحد‬, waxaana dilay Waxshiyyu
bin Xarbin Al Xabashiyyi\‫وحشي بن حرب الحبشي‬, mawlihii Jubayr bin Mudhcim bin Cadiyyi ‫جبير‬
\‫بن مطعم بن عدي‬, kaasoo uu Xamzah\‫ حمزة‬adeerkiis Dhucaymah bin Cadiyyi\‫ طعيمة بن عدي‬Badar
\‫ بدر‬ku dilay.
Waxshiyyu\‫ وحشي‬intuu usoo dhuuntay oo uu gaaday ayuu Xamzah \‫ حمزة‬waran geliyay oo uu
ka dusiyay, ayadoo uu waranka afkiisu dhabarkiisa kasoo baxay oo uu dilay. Markuu dhintay
kaddib, ayaa waxaa jirkiisa mathishay Hindu ibnatu Cutbah bin Rabiicah‫هند بنت عتبة بن ربيعة‬,oo
ah Mucaawiyah\‫ معاوية‬hooyadiis, sababtuna ay tahay inuu aabeheed iyo adeerkeed Badar\‫ بدر‬ku
dilay. Tamthiilku\‫ التمثيل‬waa in qof dhintay oo mayd ah la foolxumeeyo, ayadoo xubno jirkiisa
ka mid ah laga goynayo. Markaasey uurkiisa dillaacisay, oo intay beerkiisa soo bixisay, ay
beerkii oo ceeriin ilkeheeda kusoo qaniintay oo ay soo goosatay. Mase ayan liqin. Maalintaas
waxaa Hijrada kasoo wareegatay laba iyo soddon bilood.
Maalintaas la dilay, Xamzah\‫ حمزة‬wuxuu jiray sagaal iyo konto sano. Isaga iyo wiilka ay
walaashiis dhashay oo ah Cabdu Allaahi bin Jaxash\‫ عبد هللا بن جحش‬ayaa hal qabri la iskula
duugay.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad ayuu uga tiiraanyooday markii
Xamzah\‫ حمزة‬la dilay, ilaa heer uu ninkii dilay oo ahaa Waxshiyyi \‫وحشي‬, oo kaddibna
islaamay, ku yiri:
".‫"غيب عني وجهك‬
"Ghayyib wajhaka cannii",
oo macneheedu yahay
"Iga qari wajigaaga oo yaanan mar dambu ku arkin."
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xamzah\‫ حمزة‬ka yiri:
".‫ "خير الشهداء‬:‫" و في رواية‬.‫"حمزة سيد الشهداء‬
70
"Xamzatu Sayyidu al Shuhadaa'i"
oo macneheedu yahay
"Xamzah\‫ حمزة‬waa Sayyidka shuhadada hoggaamiya".
Riwaayad kalena waxay warisay:
"Khayru al shuhadaa'i"
oo macneheedu yahay
"Waa midka shuhadada ugu khayr badan".
Markii Xamzah\‫ حمزة‬sidaas loo fool xumeeyey ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu ku dhaartay inuu gaalada todobaatan nin ka dili doono, markaasuu Ilaahay
Tacaalaa\‫هللا تعالى‬, wuxuu kasoo dejiyay Aayadaha boqol lix iyo labaatan ilaa boqol sideed iyo
labataan ee Suuratu Al Naxli\‫سورة النحل‬. Markay Aayadahaasi soo degeen ayuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, go'aankiisaas ka haray oo uu iska daayay.
Ilmaha Xamzah\‫حمزة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis
1. Yaclaa bin Xamxah\‫يعلى بن حمزة‬.
2. Cumaaratu bintu Xamxah\‫عمارة بن حمزة‬, waana cirib go'ay.
3. Faadhimatu bintu Xamxah\‫فاطمة بنت حمزة‬, waxaana guursaday Al Miqdaadu bin Al Aswad
‫المقداد بن األسود‬. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, axaadiith ayay ka warisay.
Sideed. Al Zzubayru\‫الزبير‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Al Zzubayru‫ الزبير‬waa aabaha Al Dh-dhaahiru\‫ الطاهر‬dhalay, waxaana lagu koofaaraa Abaa Al
Xaarith\‫أبا الحارث‬. Cirib kama ayan harin. Aabihiisna waa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬.
Ilmaha Al Zzubayru‫الزبير‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis
1.Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\‫عبد هللا بن الزبير‬, waana cirib go'ay. Rasuulka, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ayuu la sugnaaday Maalinta Xunayn \‫حنين‬. Hooyadiis waa Caatikatu bintu
Wahab Al Makhzuumiyyah\‫عاتكة بنت وهب المخزومية‬. Waxaa Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬shahiidnimo
la dilay maalinta Duullaanka Ajnaadiin\‫يوم أجنادين‬, khilaafada Abuu Bakar Al Siddiiqu ‫أبوبكر‬
\‫الصديق‬, Allaha raalli ka wada noqdee.
2. Al Dh-dhaahiru bin Al Zubayr‫الطاهر بن الزبيرد‬. Wuxuu ka mid ahaa wiilasha ugu
wanaagsan Quraysh\‫ قريش‬iyo reer Banii Haashim\‫بني هاشم‬. Ciribi kama ayan harin. Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isaga ayuu wiilkiisa Al Dh-dhaahiru\‫ الطاهر‬ku
sammiyay.
3. Ummu Al Xakam bintu Al Zubayr\‫أم الحكم بنت الزبير‬. Waxay guursatay Rabiicata bin Al
Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ربيعة بن الحارث بن عبد المطلب‬, ayaduna waa saxaabiyad,
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, axaadiith ka warisay.
71
4. Dubaacatu (waa daad kor dhibic ku leh) bintu Al Zubayr\‫ضباعة بنت الزبير‬, waxayna ahayd
haweenta Al Miqdaad bin Al Aswad\‫المقداد بن األسود‬, waxayna u dhashay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
iyo Kariimah\‫كريمة‬.
Waxay ka warisay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, iyo ninkeeda Al
Miqdaad‫المقداد‬.
Sagaal. Al Xaarithu\‫ الحارث‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Al Xaarithu\‫ الحارث‬ayaa caruurta Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ugu da' weynaa, waana
tarmayoo cirib ayaa ka hartay. Hooyadiis waa Safiyyatu (waa saadka shiinka ku xigah) ama
Asmaa' bintu Xunaydib bin Xujayr bin Ri'aab bin Xabiib bin Suwaa'ah bin Caamir bin
Sacsacah (waa saadka shiinka ku xigah) bin Qays ‫صفية أو أسماء بنت حنيدب بن حجير بن رئاب بن حبيب‬
\‫بن سواءة بن عامر بن صعصعة بن قيس‬.
Ilmaha Al Xaarithu\‫ الحارث‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis
1. Cabdu Allaahi ibnu Al Xaarith\‫عبد هللا إبن الحارث‬, ciribna kama ayan harin. Magaciisu
wuxuu ahaa Cabdu Shams\‫عبد شمس‬, markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬u bixiyay. Wuxuu dhintay intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, noolaa.
2. Abuu Sufyaan bin Al Xaarith\‫أبوسفيان بن الحارث‬. Magaciisuna wuxuu ahaa Al Mugiiratu
\‫ المغيرة‬wuxuuna ahaa gabayaa. Wuxuu ka mid ahaa kuwa aan oggolaan Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddibna Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا سبحانه‬
\‫وتعالى‬, ayaa ku galladaystay inuu islaamo, wuxuuna ku xoojiyay Islaamka, wuxuuna ka mid
ahaa kuwa sugnaaday maalinta ay dadku Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wsallam,
ka kala carareen Maalinta Xunayn\‫حنين‬. Wuxuu dhintay sanadka lix iyo labaatan iyo Hijriga,
waxaana ku tukaday Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka wada
noqdee. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Abuu Sufyaan \‫أبوسفيان‬
ku yiri:
".‫"إني ألرجو أن تكون خلفا من حمزة‬
"Innii la arjuu an takuuna khalafan min Xamzah",
oo macneheedu yahay
"Anigu waxaan rajeynayaa inaad noqotid mid Xamzah\‫ حمزة‬khayrkiisa ku beddela", Allaha
raalli ka noqdo isaga iyo asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhammaantood.
Waxaa la wariyay inuu Abuu Sufyaan\‫ أبوسفيان‬godkiisa lagu xabaali lahaa uu isaga laftiisu
qotay saddex maalmood geeridiisa ka hor.
3. Umayyah bin Al Xaarith\‫أمية بن الحارث‬. Ciribi kama ayan harin, oo ma uusan tarmin.
4. Nawfal bin Al Xaarith\‫نوفل بن الحارث‬, lana yiraahdo Abuu Al Xaarith\‫أبوحارثة‬, cirib ayaana
ka hartay. Nawfal\‫ نوفل‬wuu ka da' waynaa adeerradiis Xamzah\‫ حمزة‬iyo Al Cabbaas‫ العباس‬iyo
labadiisa walaalba, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
72
Wasallam, la sugnaaday Maalinta Dagaalka Xunayn \‫حنين‬, wuxuuna dhintay markay laba sano
ka gudbeen khilaafada Cumar\‫عمر‬, Allaha raalli ka noqdee, waxaana lagu duugay Al
Baqiic\‫البقيع‬.
5. Rabiicatu Ibnu Al Xaarith\‫ربيعة بن الحارث‬. Cirib ayaa ka hartay, waxaana lagu koofaaraa
Abaa Arwaa\‫أبا أروى‬. Wuu ka da' waynaa adeerkiis Al Cabbaas\‫العباس‬. Gaalada kalama uusan
soo qayb gelin Dagaalkii Badar\‫بدر‬, wuxuuna ku maqnaa Shaam\‫الشام‬. Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu siin jiray boqol Wasaq\‫ وسق‬oo miraha Khaybar\‫ خيبر‬ah
sanad walba. Hal Wasaqna\‫ وسق‬waa boqol kiilo iyo xoogaa, ama inta uu rati qaado oo kale.
Wuxuu dhintay khilaafada Cumar\‫عمر‬, labadiisa walaal ee Nawfal\‫ نوفل‬iyo Abuu Sufyaan
\‫ أبوسفيان‬dabadooda.
6. Arwaa bintu Al Xaarith\‫أروى بنت الحارث‬, guursatayna oo u dhaxday Abii Wadaacata bin
Dubayrata (waa daad dhibic kor ku leh) Sacdin Al Sahmiyyi \‫ أبي وداعة بن ضبيرة السهمي‬, waxayna
u dhashay: (1) Al Mudh-dhalib\‫المطلب‬, oo ay koofaartiisu tahay Abaa Sufyaan\‫أبا سفيان‬, (2)
Ummu Jamiil\‫أم جميل‬, (3) Ummu Xakiim\‫أم حكيم‬, (4) Al Rabcata\‫الربعة‬, oo dhammaantood uu
dhalay Abii Wadaacah\‫أبي وداعة‬.
Lixdaas ah Ilmo Al Xaarith\‫ الحارث‬hooyadood waa Cadiyyatu bintu Qaysi bin Dhariif Al
Fihriyyata Al Xaarithiyyata\‫عدية بنت قيس بن طريف الفهرية الحارثية‬.
Toban. Quthamu\‫قثم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam adeerkiis
Quthamu‫( قثم‬waa tha saddec dhibcood kor ku leh) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬,
waxayna isku hooyo yihiin Al Xaarith\‫الحارث‬.
Kow iyo toban. Xajlu\‫حجل‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis
Ninkaan magaciisu waa Al Mughiirah\‫المغيرة‬, oo Xajl‫ حجل‬waa koofaar, ciribna kama ayan
harin. Aabihiis waa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, waxayna isku hooyo yihiin
Xamzah\‫حمزة‬.
Ilmaha Xajlu‫حجل‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis
1. Murratu bin Xajl\‫مرة بن حجل‬.
Laba iyo toban. Al Ghaydaaqu\‫الغيداق‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
adeerkiis
Aabihiis waa Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬. Culummada qaarkood ninkaan wayba ka
tagaan oo waxay yiraahdaan waa isla ninka Xajlu\‫ حجل‬la yiraahdo, oo ma ah nin kale.
Hooyadiisna waxaa weeye, ayuu Al Qutabiyyu\‫ الفتيبية‬yiri, Mumannacatu bintu Camr Al
Khuzaaciyyatu\‫ممنعة بنت عمرو الخزاعية‬. Luqad ahaan ghaydaaq\‫ غيداق‬waxaa la yiraahdaa
cunugga abeeso lugaaleyda, siduu Al Suhayli\‫ السهيلي‬yiri.
73
Culummada qaarkood waxay yiraahdeen: Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
adeerradiis waa toban oo waxay ka reebeen Cabdul Kacbati\‫عبد الكعبة‬, oo waxay yiraahdeen
waa isla Al Muqawwamu\‫المقوم‬, Al Ghaydaaqu\‫ الغيداق‬iyo Xajluna\‫ حجل‬waxay ka dhigeen
isku nin. Qaar kalena waxay yiraahdeen waaba sagaal oo waxay kasii reebeen Qutham \‫قثم‬.
Runtana Rabbi ayaa ogsoon.
Eedooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxay culummadu isku waafaqsan yihiin inay eedooyinka Nabigu, SallaaAllaahu Calayhi
Wasallam, lix ahaayeen, waxayna kala yihiin:
Kow. Caatikatu bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عاتكة بنت عبد المطلب‬, eedada Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam
Macnaha Caatikatu\‫ عاتكة‬waaa sifo qofku kasbado, kaddib markay haweentu zacfaraan\‫الزعفران‬
is mariso oo ay wajigeeda iyo korkeeda hurdi isaga dhigto.
Caatikatu bintu Cabdul Mudhalib‫ عاتكة بنت عبد المطلب‬waxay u dhaxday Abuu Umayyata bin
Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthata (oo waa tha korka
dhibic ku leh, kana dambeysa dha) bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫أبو أمية‬
\‫بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬, ninkaan damboo ah
ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Markaasey waxay u dhashay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, oo saxaabi ah, iyo Zuhayr\‫ الزهير‬iyo
Qariibah Al Kubraa\‫قريبة الكبرى‬. Labadaan dambe saxaabinnimadooda waa la isku khilaafsan
yahay.
Caatikatu\‫ عاتكة‬waa haweenta ku riyootay Qisada Badar\‫ بدر‬intayan Ghazwadu\‫ الغزوة‬dhicinba
ka hor.
Ilmaha Caatikatu\‫علتكة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo eedadiis
1. Zuhayr bin Caatikata\‫زهير بن عاتكة‬, wuxuuna ka mid yahay Al Mu'allafati quluubuhum ‫المؤلفة‬
\‫قلوبهم‬, kuwa quluubtooda la soo dumayo, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
furashada Makkah\‫ مكة‬dabadeed uu ghaniimadii Xunayn\‫ حنين‬maal badan ka siiyay.
2. Cabdu Allaahi bin Caatikata\‫عبد هللا بن عاتكة‬.
3. Qariiyatu bintu Caatikata\‫قريبة بنت عاتكة‬.
Saddexdaasba aabohood waa Zaada Al Rakbi Abuu Umayyata bin Al Mughiirah bin Cabdu
Allaahi bin Camr bin Makhzuum\‫زاد الركب أبو أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمرو المخزومي‬.
Labo. Umaymatu\‫أميمة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis
Umaymatu‫ أميمة‬waaa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, waxayna isku hooyo yihiin
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Abuu Dhaalib\‫أبوطالب‬. Waxay guursatay Jaxsh bin Ri'aab bin
Yacmar bin Sabirata (waa saadka shiinka ku xigah) ibnu Murrata bin Kabiir bin Ghanm bin
74
Duudaan bin Barrata bin Asad bin Khuzaymata ‫جحش بن رئاب بن يعمر بن صبرة إبن مرة بن كبير بن غنم‬
\‫بن دودان بن برة بن أسد بن خزيمة‬, waxayna u dhashay:
(1) Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, oo shahiiday Maalinta Uxud\‫أحد‬,
(2) Al Mujaddac fii Allaahi\‫المجدع في هللا‬,
(3) Abaa Axmad\‫أبا أحمد‬, gabayaaga indhoolaha ahaa magaciisuna uu Axmad\‫ أحمد‬yahay oo Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬usoo haajaray.
(4) Cubaydu Allaahi\‫عبيد هللا‬, oo islaamay oo arliga Xabashada u haajaray, halkaasoo intuu
krishtaan ku noqday ku dhintay. Waana midka asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku oran jiray markuu arliga Xabashada u haajaray:
"Annagu waan aragnay (runta iyo diinta runta ah), adinkuna maydnaan arag oo haddaad
goobeysaan."
(5) Ummu Al Mu'miniina Zaynaba\‫أم المؤمنين زينب‬, haweenta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ayadoo hore u dhaxday Zayd bin Xaarithah\‫زيد بن حارثة‬.
(6) Ummu Xabiibata\‫أم حبيبة‬, waana haweenta ay xadiithkeeda Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah
\‫أم المؤمنين عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, warisay, waana xadiithka saddex boqol afar iyo
soddon ee Saxiixu Muslim\‫صحيح مسلم‬. Ummu Xabiibata\‫ أم حبيبة‬waxay ahayd haweeney
mustaxaadah‫( مستحاضة‬waa daadka kor dhibic ku leh) ah, oo dhiig badani ka bixi jiray. Waxay
guursatay Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\‫عبد الرحمن بن عوف‬, oo ah tobanka Jannada loogu
bishaareeyey midkood.
(7) Xamnata bintu Jaxsh\‫حمنة بنت جحش‬, waxayna guursatay Muscab (waa saadka shiinka ku
xigah) bin Cumayr\‫مصعب بن عمير‬, kaasoo shahiidnimo Maalinta Uxud\‫ أحد‬lagu dilay. Markaasaa
waxaa guursaday Dhalxatu ibnu Cubaydu Allaahi\‫طلحة بن عبيد هللا‬, waxayna u dhashay
Muxammad\‫ محمد‬iyo Cimraan\‫عمران‬.
Saddex. Barratu\‫برة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis
Waxaa dhalay Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬, waxayna isku hooyo
yihiin Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬iyo Al Zzubayru\‫الزبير‬.
Waxay guursatay Cabdu Al Asad Ibnu Hilaal bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum ‫عبد‬
\‫األسد إبن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬, waxayna u dhashay Abuu Salamah bin Cabdul Asad
\‫أبوسلمة بن عبد األسد‬, ninka qabi jiray Ummu Al Mu'miniin Ummu Salamah\‫أم المؤمنين أم سلمة‬,
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haweentiisa, hortiis.
Cabdu Al Asad\‫ عبد األسد‬dabadiis waxay guursatay Abuu Ruhm bin Cabdu Al Cuzzaa bin Abii
Qays bin Cabdu Wudd bin Nasr (waa saadka shiinka ku xigah) bin Maalik bin Xisl Al
Caamiriyyi\‫ أبورهم بن عبد العزى بن أبي قيس بن عبد ود بن نصر بن مالك بن حسل العامري‬oo u dhashay
Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Caamir bin Lu'ayy\‫بني عامر بن لؤي‬, waxayna u dhashay Abaa Sabrata
\‫أبا سبرة‬.
Waxaa kaloo la yiri: waxay marka hore guursatay Abuu Ruhm‫أبورهم‬, dabadiisna Cabdu Al
Asad\‫عبد األسد‬, oo intaas ayuu kusoo koobay ninka digay kitaabka Al Mawaahibu \‫المواهب‬, oo
magaciisuna yahay Al Qasdhalaanii\‫القسطالني‬.
75
Ilmaha Barratu\‫برة‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilma eedadiis
1.Abuu Salamata bin Barrata\‫أبوسلمة بن برة‬. Aabihiis waa Cabdu Al Asad bin Hilaal bin Cabdu
Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\‫عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬.
Abuu Salamata\‫ أبوسلمة‬magaciisuna waa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬. Haweentiisa Ummu Salamata
binti Abii Umayyata Al Makhzuumiyyi\‫أم سلمة بنت أبي أمية المخزومي‬, oo ah ina adeerkeed,
ayuu ula haajaray arliga Xabashada. Kaddib markuu soo laabtay, isagoo sidaas labada Hijraba
haajaray, wuxuu ka qayb galay Badar\‫بدر‬. Wuxuu ka qayb galay Duullaanka Uxud\‫أحد‬,
maalintaasoo dhaawac halis ah la gaarsiiyay, uuna u dhinta markay saddex ka gudubtay bisha
Jamaadul Aakhir\‫ جماد اآلخر‬ee sanadka saddexaad ee Hijrada. Haweentiisii, Ummu Salamah ‫أم‬
\‫سلمة‬, waxaa guursaday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waana Ummu Al
Mu'miniin Ummu Salamah\‫أم المؤمنين أم سلمة‬.
2. Abuu Sabrata\‫أبو سبرة‬. Ma uusan tarmin oo ciribi kama ayan harin. Aabihiis waa Abuu
Ruhm bin Cabdu Al Cuzzaa bin Abii Qays bin Cabdu Wudd bin Xisl ibnu Caamir bin Lu'ayy
bin Ghaalib bin Fihr\‫ أبورهم بن عبد العزى بن أبي قيس بن عبد ود بن نصر بن مالك بن حسل العامري‬, oo ah
ninka Quraysh\‫ قريش‬la yiraahdo.
Abuu Sabrata\‫ أبوسبرة‬labad Hijraba wuu haajaray, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu walaaleeyey isaga iyo Salamata bin Salaamata bin Waqshin ‫سلمة بن أبي سلمة‬
\‫بن وقش‬.
Abuu Sabrata\‫ أبوسبرة‬wuxuu ka qayb galay Badar\‫بدر‬, iyo Uxud\‫ أحد‬iyo Duullaannadii oo idil,
waxaana la oofsaday khilaafada Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬, dhammaantood Allaha
raalli ka noqdee.
Afar. Safiyyatu\‫صفية‬, Nabig, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis
Safiyyatu‫( صفية‬waa saadka shiinka ku xigah) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim ‫بنت‬
\‫عبد المطلب بن هاشم‬. Hooyadeedna waa Haalatu bintu Uhayb\‫هالة بنت أهيب‬, hooyada dhashay
Xamzah\‫ حمزة‬iyo Al Muqawwam\‫ المقوم‬iyo Xajl\‫حجل‬.
Waxay guursatay Al Cawwaamu ibnu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ‫العوام بن خويلد‬
\‫بن أسد بن عبد العزى‬, Ummu Al Mu'miniin Khadiijatu bintu Khuwaylid ‫أم المؤنين خديجة بنت‬
\‫ خويلد‬walaalkeeda la dhashay.
Waxay Al Cawwaamu\‫ العوام‬u dhashay
(1) Al Zzubayru\‫الزبير‬, Xawaariga\‫ حواري‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ahna tobanka Jannada loogu bishaareeyey midkood.
(2) Al Saa'iba\‫ السائب‬oo Maalinta Al Yamaamata\‫ يوم اليمامة‬shahiiday.
(3) Ummu Xabiibah\\‫أم حبيبة‬, oo aan tarmin oo cirib go'day. Lama sheegin inay Safiyyah ‫صفية‬
caruur aan intaas ahayn Al Cawwaam\‫ العوام‬u dhashay.
76
Al Cawwaam bin Khuwaylid\‫ العوام بن خويلد‬hortiis, waxay Safiyyah‫ صفية‬u dhaxday Al Xaarith
bin Xarb bin Umayyah‫الحارث بن حرب بن أمية‬, waxayna u dhashay Sayfiyyi \‫( صيفي‬waa saadka
shiinka ka dambeeya).
Safiyyah‫ صفية‬waxay dhimatay khilaafada Amiiru Al Mu'miniin Cumar bin Al Khadh-dhaab
\‫أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬, Allah raalli ka wada noqdee, sanadka tobanaad ee Hijrada,
ayadoo markaas saddex iyo toddobaatan sano jirta, waxaana lagu duugay Al Baqiic \‫البقيع‬.
Waxaa la yiri inayan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedooyinkiisa ayan ka
islaamin ayada mooyee. Waxaa kaloo la yiri: bal waxaa kaloo islaamay Arwaa \‫ أروى‬iyo
Caatikah\‫عاتكة‬.
Shan. Ummu Xakiim\‫أم حكيم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis
Magaceedu waa Al Baydaa'\‫( البيضاء‬waa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku xiga) bintu
Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫بنت عبد المطلب بن هاشم‬, waxayna isku hooyo yihiin,
mataanana ay ahaayeen Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, aabihiis.
Al Baydaa'‫ البيضاء‬waxay u dhaxday Kurayz bin Rabiicah bin Xabiib bin Cabdi Shams bin
Cabdu Manaaf\‫كرز بن ربيعة بن حبيب بن عبد شمس بنعبد مناف‬, waxayna u dhashay:
(1) Caamir\‫ عامر‬iyo
(2) Ummu Dhalxata\‫ أم طلحة‬oo magaceedu yahay Arwaa\‫أروى‬, oo ah Amiiru Al Mu'miniin
Cuthmaan bin Caffaan\‫أمير المؤنين عثمان بن عفان‬, Allaha ralli ka noqdee, oo ka mid ah
tobanka Jannada loogu bishaareeyey, hooyadiisa dhashay, Allaha dhammaantood raalli ka
noqdee.
Ilmaha Ummu Xakiim\‫أم حكيم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilma eedadiis
1. Arwaa bintu Al Baydaa'a\‫أروى بنت البيضاء‬.
2. Caamir bin Al Baydaa'a\‫عامر بن البيضاء‬.
3. Ummu Dhalxata bintu Al Baydaa'a\‫أم طلحة بنت البيضاء‬.
Lix. Arwaa\‫أروي‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis
Arwaa‫ أروي‬waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, waxayna isku hooyo yihiin Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Abuu Dhaalib\‫أبوطالب‬, hooyadoodna waa Faadhimatu bintu Camr bin
Caa'ith (waa thaalka korka dhibicda ku lel oo deelka ka dambeeya) bin Cimraan bin
Makhzuum\‫فاطمة بنت عمرو بن عائذ بن عمران بن مخزوم‬. Sidaas ayayna ku xusan tahay kutubbada
intooda badan. Kitaabka Al Mawaahib-na\‫ المواهب‬waxay ku xusantahay inay hooyadeed tahay
Safiyyah bintu Junaydab\‫صفية بنت جنيدب‬, oo ay sidaas isku hooyo yihiin Al Xaarith\‫ الحارث‬iyo
Qutham‫قثم‬.
Arwaa‫ أروي‬waxay guursatay Cumayr bin Wahab bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayyi bin Kilaab
bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫عمير بن وهب بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن‬
77
\‫ مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬waxayna u dhashay ninka la yiraahdo Dhulayb\‫ طليب‬oo ka mid
ah Muhaajiriintii\‫ المهاجرين‬ugu horreeyey, kana qayb galay Badar\‫بدر‬, oo sidaas Badriyyin\‫بدري‬
ku ah. Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ka horna wuxuu u haajaray arliga
Xabashada. Dhulayb\‫ طليب‬wuxuu ku shahiiday Duullaanka Ajnaadiin\‫أجنادين‬. Dhulayb ma uusa
tarmin, oo ciribi kama ayan harin.
Arwaa‫ أروي‬waxay kaddib guursatay Kaladata bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabdu Al
Ddaar bin Qusayyi\‫كلدة بن هاشم بن عبد مناف بن عبد الدار بن قصي‬, waxayna u dhashay
Faadhimah\‫فاطمة‬.
Dhimashada Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬markuu ogaaday inuu mayd yahay oo uu dhimanayo, ayuu
wuxuu u yeeray lixdii gabdhood oo uu dhalay, wuxuuna ku yiri:
".‫"أبكين علي حتى أسمع ما تقلن قبل أن أموت‬
Oo macnihiisu yahay:
"ii ooya, si aan u maqlo waxaad leedihiin intaanan dhiman ka hor."
Markaasey mid walba oo ka mid ahi gabay ay aabeheed ku xusayso oo dheer tirisay.
Ibnu Haashim\‫ إبن هاشم‬wuxuu yiri:
"Ma aanan arag qof ka mid ah dadka gabayada u cilmi leh oo gabayadaan yaqaanna."
Gabayadana waxaa wariyay Muxammad bin Saciid bin Al Musayyib\‫محمد بن سعيد بن المسيب‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu jiray, markuu dhimanayay boqol iyo afartan sano,
markaasoo sideed sano maroodiga ka dambeysey.
Isaga dabadiisna waxay Al Siqaayatu\‫ السقاية‬u wareegtay wiilkiisa Al Cabbaas\‫العباس‬, kaasoo
uu Islaamkuna u qiray oo hayey.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬wuxuu dhintay isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, sideed sano jiro, janaazadiisa ayuuna raacay oo daba galay isagoo ooyaya, ilaa
looga duugay Xabaalaha Makkah\‫ مكة‬ee Al Xajuun\‫الحجون‬, oo aan Masjid sidaas uga fogayn.
Xabaalahaas, oo Masjidka xagga qorrax kasoo bax ka xiga, waxaa kaloo la yiraahdaa
Maqbaratu Al Macallaat\‫مقبرة المعالة‬.
Al Faakihi\‫ الفاكهي‬wuxuu yiri:
"Makkah\‫ مكة‬oo idil kuma yaallo shicib\‫( شعب‬waa dhul buur ku dul yaalla) dadka ku tukanaya
uu wajigoodu Qiblada si toos ah u qaabilayo uusanna laab uga jirin, intaan ahayn xabaalah reer
Makkah\‫مكة‬, qofkaasoo Kacbada ugu jeesanaya isagoo taagaan ayadoo dhan."
Xabaalahaas waxaa ku duugan Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid ‫أم المؤمنين‬
\‫خديجة بنت خويلد‬, xaaska Nabi Muxammad Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
78
Sidaas ayuu kitaabkii Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬ku dhammaaday, wal xamdu li
Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidina wa Mawlaana wa Shafiicanaa
Muxammadin Al Nabiyyi Al Ymmiyyi Wa Calaa Aalihi Wa Saxbihi wa man tabicahum bi
ixsaanin ilaa yawmiddiini.
Qubuuraha Abuu Dhaalib\‫أبوطالب‬, Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo Cabdu
Manaaf\‫ عبد مناف‬ee xabaalaha Al Xujuun\‫الحجون‬/Al Mucallaat\‫ المعالة‬ee Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المرمة‬
Waxaan masawirkaan kasoo qaadannay bogga laba iyo soddon ee kitaabka uu dhigay
Generaal Ibraahiim Rifcat Baashaa\‫ إبراهيم رفعت باشا‬ee cinwaankiisu yahay:
Miraa’atu Al Xaramayni\‫مرآءة الحرمين‬
Laguna daabacay
Madhbacatu Daaru Al Kutubi Al Misriyah bi Al Qaahirah\‫مطبعة دار الكتب المصرية بالقاهرية‬
‫مطبعة دار الكتب المصرية بالقاهرة‬
sanadka 1344 H/1925 M
79
Qiyaas sideetanl sano ka hor sidaasay qubuurahaasu ahaayeen, kaddibna inta la dumiyay
ayaa dhulka lala simay.
80
Taxanaha
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(Saddex)
Nabi Muxammad Salla Allaahu Calayhi Wasallam
awoowihiisa labaad
Haashim
‫هاشم بن عبد مناف‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
USA
81
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
1. Tusmada Kitaabka
2. Araarta dhigaha kitaabka
3. Camr bin Cabdi Manaaf
4. Labada Safar ee Quraysh
2. Haashim iyo Umayyah
6. Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus
7. Thuu Nawaas iyo Nasaarada Muslimiinta ah
8. Daws iyo Boqorka Roomaanka Justiiniyaanus
9. Koofil
10. Koofil Walaashiis
11. Atyaadh oo marka boqorka kaalib fuliyay
12. Afbakayle
13. Dardaaran
14. Maqashiiya uunka
15. Yaman oo gumaysiga Xabashada hoos gashay
16. Boqornimada Abraha ee Yaman
17. Qorshaha dhabta ah ee krishtaanka
18. Abuu Murrata Sayf iyo Kisraa Anuu Shirwaan
19. Sayf bin Thii Yazin iyo Qaysarka Roomaanka
20. Sayf bin Thii Yazin iyo Al Nucmaanu bin Al Munthir
21. Kisraaga uu Nabigu, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, warqadda u dhigay
22. Taajka Kisraa
23. Boqorrada Iiraan
24. Al Iskandar iyo Daaraa
25. Jebinta Sayf bin Thii Yazin ee Masruuq bin Abraha
26. Gumaysiga Iiraan ee Yaman
27. Gumaysiga Iiraan ee amxaarada
28. Amarka Kisraa in Nabi Muxammad, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , la dilo
29. Zamanka Haashim
30. Haashim iyo xilfiga Al Mudhayyabiina "udgoon"
31. Haashim walaalihiis
32. Haashim ilmihiisa
33. Dhimashada Haashim
34. Cabdi Manaaf
35. Cabdi Manaaf walaalihiis
Bogga
81
82
84
86
90
91
92
94
96
97
97
98
100
102
103
104
106
106
106
107
108
112
113
114
115
117
118
118
119
122
125
126
127
135
137
82
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa
Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini.
‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره‬.‫بإحسان إلى يوم الدين‬
.‫الغافلون‬
Kitaabkaan Haashim\‫ هاشم‬oo ka kooban saddex iyo soddon qaybood, waa kii saddexaad ee
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu
noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii ‫تفسير‬
\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫ األلوسي‬, Dhaahir Caashuur\‫ طاهر عاشور‬iyo kuwa kaleba,
iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo
Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka\‫ ;السنن‬Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( إبن هشام‬oo dhintay laba
boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫السهيلي‬
(oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo dhintay
saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar
iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo
afartan), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga),
Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii ‫القاضي اإلمام حسين بن‬
\‫( محمد بن الحسن الدياربكري‬oo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam
Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\‫( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo
afartan ee sanadka Hijriga), Al Qadii Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo
afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, iyo
Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al
bariyyati\‫ كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير البرية‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al
Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi ‫اإلمام جمال الدين‬
\‫ يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسي‬oo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah,
dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar \‫دليل الحاج المصور‬
uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\‫ صالح محمد جمال‬, intuusan dhiman ka horna ahaa
Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, iyo
Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii ‫الحافظ أبي نعيم‬
\‫ األسبهاني‬oo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga) iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii ‫اإلمام‬
\‫( الشافعي‬dhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee Hijriga) ee Al Ummu\‫ األم‬iyo Culuumu Al
Quraani\‫علوم القرآن‬, iyo kutubbada Imaam Al Nawawii\‫( اإلمام النووي‬oo noolaa inta u dhexeysa
lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc \‫المجموع‬,
Manaasiku Al Xajji\‫ مناسك الحج‬uuna sharxay Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\‫( أبن حجر الهيتمي‬oo
Makkah\‫ مكة‬ku dhintay sagaal boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\‫األذكار‬,
Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi\‫ سبائك الذهب في معرفة قبائل العرب‬ee Shaykh
Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al shahiir bi Al Suwaydii ‫الشيخ أبي الفوز محمد‬
\‫امين البغدادي الشهير بالسويدي‬, Lisaanu Al Carabi\‫ لسان العرب‬ee Al Imaamu ibnu Al Manthuur ‫اإلمام‬
\‫( إبن المنظور‬nolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban
83
Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\‫ مختار الصحاح‬ee Al Raazii\‫الرازي‬, iyo Diiwaanka Gabayadii
Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan, uuna uruuriyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ayna
Muqdisho ku daabacday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya kun sagaal
boqol afar iyo totoddobaatan miilaadiga, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday
kutubbada taariikhda Islaamka. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan
kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Waxa suuban oo ku
dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii qalad ahna
waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku
xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka
akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo
inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo
maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada
mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Isniin, afar iyo labaatan Jamaadul Thaanii\‫ جماد الثاني‬kun afar boqol saddex iyo labaatan/una
dhiganta labada September laba kun iyo laba.
84
Camr bin Cabdi Manaaf\‫عمروبن عبد مناف‬
Awoowaha labaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Haashim bin
Cabdi Manaaf bin Qusayyi ‫ هاشم بن عبد مناف بن قصي‬.
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬wuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Caatikatu bintu Murrata bin
Hilaal bin Faalij bin Thakwaan\‫( عاتكة بنت مرة بن هالل بن ذكوان‬waa thaalka dhibicda kor ku leh oo
deelka ku xigah), markaasey waxay u dhashay labo wiil oo mataano ah, oo la kala bixiyay
Camr\‫( عمرو‬oo ah Haashim\‫ )هاشم‬iyo Cabdu Shams\‫عبد شمس‬.
Markay labadaas wiil dhalanayeen cagta Haashim‫هاشم‬, oo soo horreeyey, ayaa waxay ku
dhegganayd wajiga Cabdu Shams\‫عبد شمس‬. Markaasaa takhtar loo keenay mindi ku kala
fujiyay, halkaasoo uu labadooduba dhiig ka baxay. Markaasey waxay dadkii yiraahdeen, oo ay
hoos ugu nuunaaseen:
"Wiilashadooda ayaa dhiig dhex mari doonaa."
Magaca Haashim‫ هاشم‬waa koofaar waa dambe loo bixin doono, magaciisuse waa Camr\‫عمرو‬.
Magaca Camr\‫ عمرو‬. afar macne ayuu leeyahay oo lagu sheegay, oo kala ah:
(Kow) Cumriga qofka, oo ah intuu adduunkaan ku noolyahay, ninkana loogu bixiyo yididiilo
laga qabo inuu waaro oo uu wax badan noolaado.
(Laba) Hilibka cirridka la xiriira oo labadii iligba dhexdooda ku yaalla,
(Saddex) Darafta ama afka gacanta khamiiska ama shaatiga.
(Afar) Dhegaha dahab ama wax kale ka samaysan oo dhegaha qurux raadin loo gashado.
Macne shanaadna waa timirta sonkorta badan oo macaan.
Camr bin Cabdi Manaaf\‫ عمروبن عبد مناف‬wuxuu koray isagoo uu wajigiisa nuur ka kaahayo,
oo qofkii arkaba soo jiidanaya.
Markuu waynaaday, Camr‫ عمرو‬wuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Qaylata bintu
Caamir bin Maalik Al Khuzaacii\‫قيلة بنت عامر بن مالك الخزاعي‬, waxayna u dhashay wiil loo
bixiyay Asad\‫أسد‬.
Waxaa waqtigaas Quraysh\‫ قريش‬haleeshay jiilaal adag iyo gaajo, markaasuu ninkii caruurtiisa
wuxuu siiyo u waaya, gurigiisa ayuu hoosta ka soo xiran jiray, halkaas ayayna ku jiri jireen ilaa
ay gaajo uga dhintaan, fogaansho ay ka fogaanayaa inay dad baryaan oo ay wax ha nala siiyo
yiraahdaan. Ficilkaasna waxaa la oran jiray Al Ictiqaadu\‫اإلعتقاد‬.
Asad bin Haashim\‫ أسد بن هاشم‬wuxuu lahaa wiil ay isku fac yihiin oo ay saaxiibna yihiin oo reer
Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬u dhashay, uuna jeclaa, ayna wada cayaari jireen.
Markaasuu Asad\‫ أسد‬maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay saaxiibkiis oo ooyaya.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Maxaa kaa boohinaya?"
Saaxiibkiis wuxuu ku yiri:
"Waxaan dooneynnaa inaad ictiqaadno."
85
Markaasuu Asad\‫ أسد‬intuu naxay oo uu cabsaday, oo uu arkay saaxiibkiis oo gaajo u
dhimanaya, ayuu soo orday oo uu hooyadiis u yimid, isagoo isaga laftiisu ooyaya. Markaasey
weydiisay oo waxay tiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Wuxuu yiri:
"Saaxiibkeyga reer Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬reerkiisa ayaa doonaya inay ictiqaadaan."
Markaasey hooyadiis waxay u dhiibtay bur iyo subag, kuwaasoo ay ayaamo ku noolaayeen.
Markaasuu Asad\‫أسد‬, hadana, maalin kale saaxiibkiis oo ooyaya arkay, wuxuuna ku yiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Saaxiibkiis wuxuu yiri:
"Reerkeyga ayaa doonaya inay ictiqaadaan."
Markaasuu Asad\‫ أسد‬aabihiis Camr\‫ عمرو‬u yimid oo uu u sheegay dhibaatada iyo gaajada uu
dadku qabo. Markaasuu Camr\‫ عمرو‬soo kacay oo uu Quraysh\‫ قريش‬inta shiriyay u
khudbeeyey, wuxuuna yiri:
".‫ وأنتم أهل حرم هللا وأشرف ولد آدم والناس لكم تبعا‬،‫"إنكم أجدبتم جدبا تقولون فيه وتذلون‬
Oo macnihiisu yahay:
"Quraysh\‫ قريش‬waxaa idinku dhacday abaar xun oo idin laysay, idinna dullaysay, adinkoo ah
ehelka Xaramka Ilaahay iyo kuwa u sharaf badan intuu Aadan \‫ آدم‬dhalay, dadkoo idilna
adinkay idin raacsan yihiin oo ay idinka dambeeyaan."
Waxay yiraahdeen:
"Annaguna adigaan ku raacsannahay oo aan kaa dambeynnaa, taasoo ayan labana isku
khilaafsanayn."
Markaasuu wuxuu u qorsheeyey oo uu u jideeyey labada Rixlo\‫ رحلة‬ama Safar: Rixlata Al
Shitaa'i\‫( رحلة الشتاء‬Safarka Gu'ga ama qaboobaha) oo ay Yaman\‫ يمن‬iyo xagga Koofur (iyo
arliga xabashada) ganacsiga ugu safraan, iyo Rixlata Al Sayfi \‫( رحلة الصيف‬waa saad), oo ah
Safarka Jilaalka oo ay xagga Waqooyi (Shaam\‫الشام‬, iyo Ciraaq\‫ عراق‬iyo Iiraan\‫ أيران‬iyo
Masar\‫ )مصر‬ganacsi ugu safraan.
Camr\‫ عمرو‬faa'iidada ganacsigaas laga helo wuxuu ugu wada qaybin jiray kuwa hodanka ah
iyo kuwa saboolka ahba si siman.
Camr\‫ عمرو‬wuxuu Heshiis Saaxiibtinnimo iyo Nabadgelyo iyo Ganacsi la galay Boqorka
Shaam\‫ الشام‬oo la isku yiraahdo dalalka hadda la kala yiraahdo Siiriya \‫ سورية‬iyo
Falasdhiin\‫فلسطين‬, iyo Urdun\‫ أردن‬iyo Lubnaan\‫لبنان‬, oo ay Dimishiq\‫( دمشق‬magacaasna loogu
bixiyay ayadoo uu degay ninka la yiraahdo Dmishiqu bin Namruuth\‫دمشق بن نمروذ‬, oo ah
wiilkuu dhalay boqorkii gaalka ahaa ee Baabil\‫ بابل‬oo Nabi Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu
dabka ku tuuray, oo intuu islaamay Nabiga soo raacay markuu arliga Ciraaq \‫ عراق‬kasoo baxay,
oo markuu Nabigu magaaladaas Dimishiq\‫ دمشق‬furtay oo ay islaantay, isagu halkaas degey, oo
86
magaaladiiba isaga loogu magac daray. Runtana Rabbi ayaa og) caasimadda u ahayd, inta
kalena ay gobollo u ahaayeen.
Camr\‫ عمرو‬walaalkiis Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf\‫ عبد شمس بن عبد مناف‬wuxuu heshiis
midkaas la mid ah la galay boqorka xabashada Al Najaashiyyi\‫النجاشي‬. Walaalkiis labaad oo
ahaa Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\‫ المطلب بن عبد مناف‬wuxuu heshiiskaas oo kale la
galay Boqorka Ximyar\‫ حمير‬ee Yaman\‫يمن‬. Walaakiisa saddexaad oo ahaa Nawfal bin Cabdi
Manaaf\‫ نوفل بن عبد مناف‬wuxuu isaguna heshiis midkaas la mid la galay Boqorka Ciraaq\‫عراق‬
iyo Iiraan\‫أيران‬. Markaasaa waxaa afartaas nin oo walaalaha ah oo ilmo Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬
ah loogu yeeray "Al Tujjaaru\‫ "التجار‬oo ah ganacsatada.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬afartaas nin oo ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬ah ku lug darsatay, oo
ay ganacsi iyo nolol cusub galeen oo heleen. Ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬aad ayaa Makkata
Al Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬looga jeclaaday, makaankooduna uu ku waynaaday. Waaba ayada
uu gabayaagu yiri:
‫يا أيها الرجل المحل رحله \\ هال نزلت بآل عبد مناف‬.1
‫اآلخذون العهد من آفاقها \\ والراحلون لرحلة اإليالف‬.2
‫والرائشون وليس يوجد رائش \\ والقائلون هلم لألضياف‬.3
.‫والخالطون غنيهم بفقيرهم \\ حتى يصير غنيهم كالكاف‬.4
"1. Yaa ayyuhaa al rajulu al muxillu raxlahu
Halaa nazalta bi Aali Cabdi Manaafi.
2. Al Aakhithuuna al cahda min aafaaqihaa
Wa al raaxiluuna li rixlati al iilaafi.
3. Wa al raa'ishuuna wa laysa yuujadu raa'ishu
Wa al qaa'iluuna halumma lil adyaafi.
4. Wa al khaalidhuuna ghaniyyahum bi faqiirihim
Xattaa yasiira ghaniyyuhum ka al kaafi."
Gabayga macnihiisa waxaa weeye:
"1. Ninyahow (musaafirka ah oo) alaabtiisa ratiga kasoo dejinayow
Maad ku degtid reer Aali Cabdi Manaaf\‫آل عبد مناف‬.
2. Waana kuwa heshiisyada adduunka la soo galay
Una safra Safarka heshiiska lagu galay oo la caadeystay.
3. Waana kuwa dadka biyaha waraabiya ayadoo uusan waraabiye jirin
Waana kuwa yiraahda: kaalaya aan martida u tagnee.
4. Waana kuwa hodankooda iyo saboolka isku dheeha
Ilaa uu hodankoodu uu sida midka in ku filan haysta oo kale noqdo.
Labada Safar ee Quraysh\‫قريش‬
Qurayshi\‫ قريش‬waxay ahayd ganacsato, badeecadaha adduunka ka ganacsata, kuwa Bariga laga
keeno sida Hindiya iyo Shiinaha iyo dalalka dhinacaas ka jira; kuwa Galbeedka laga keeno
87
sida Masar\‫ مصر‬iyo dalalka qorrax u dhaca ka xiga; kuwa Koofur laga keeno sida dalka
Soomaaliya iyo arliga xabashada iyo Afrika iyo kuwa Waqooyiga laga keeno sida Shaam \‫ الشام‬,
Ciraaq\‫عراق‬, Iiraan\‫ أيران‬iyo Yurub.
Qurayshi\‫ قريش‬waxay xilliga kulaylaha ganacsi ugu safri jirtay Waqooyiga, oo uu arligaasu
kulul yahay, oo waxay mar walba isku beegi jireen xilliga uu dalkaasi uusan qaboobayn, uuse
jawigu diirran yahay. Xilliga qaboobahana waxay u safri jireen Koofur iyo dalka Yaman\‫يمن‬.
Yaman\‫ يمن‬. waxay kasoo gadan jireen, gaar ahaan magaalada Cadan \‫عدن‬, badeecadaha laga
keeno dalalka Bariga ee Hindiya, Shiinaha iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya iyo Afrika.
Markaasey intii looga baahan yahayna waxay kusii gadi jireen Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫المكرمة‬, inta kalena waxay ganacsi u gayn jireen dalalka Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga,
sida Masar\‫مصر‬, Yurub, Shaam\‫الشام‬, Ciraaq\‫عراق‬, Iiraan\‫إيران‬, Roomaanka, Griigga, iwm.
Cadan\‫ عدن‬waxay weligeed ahaaan jirtay xarun badeecadaha Carabta, Afrika iyo Aasiya lagu
kala gaddisto. Waagaas Yurub waxba ma ayan ahayn, oo xadaarad, iyo warshado iyo cilmi iyo
badeecado la gato midna ma lahayn.
Safarrada Quraysheed\‫ قريش‬waxaa loo agaasimi jiray si heer sare ah, waxayna madaxdoodu u
maareyn jireen sidatan: qofka reer Makkah\‫ مكة‬ah, iyo Dhaa'ifba\‫الطائف‬, oo doonaya inuu
safarkaas ka qayb galo oo ganacsado, wuxuu lacag ama badeecadda uu doonayo inuu ka
ganacsado u dhiibi jiray hoggaamiyaha Safarkaas, oo ma ayan ahayn laga maarmaan inuu isaga
laftiisu socdaalo oo uu Safarkaas raaco.
Badeecadaha ay reer Makkah\‫ مكة‬dalalka kale u iib gayn jireen waxaa ka mid ahaa dahabka iyo
qalinka oo arligooda ilaa maanta aad ugu badan, oo buuro dhan oo dahab ah ayaa ku yaalla.
Waxay sidoo kale ka ganacsan jireen haragaha iyo saamaha iyo badeecado ay dalal kale ka
keeneen. Mar walba waxaa safarkaas hoggaamin jirey nin madaxdooda ka mid ah.
Badeecadahaas waxaa la saari jiray oo lagu rari jiray awr, ayadoo uu geelu ahaa gaadiidka
waagaas. Waxaa garawaantaas lagu dari jiray, oo burcadda iyo tuugada dariiqyada u istaagta ka
ilaalin jiray rag hubaysan oo qabaa'il kale laga soo ijaartay, shaqadooduna ayba ahayd ilaalinta
garawaanta.
Waxaa kaloo raaci jiray ragga reer Makkah\‫ مكة‬oo markaas safarkaas ka qayb gelaya. Safar
walba wuxuu ka koobnaa boqollaalo ama kumannaan rati oo raran iyo boqollaalo rag ah oo
hubaysan. Ilahayna, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, wuxuuba labadaas Safar
kusoo dejiyay Suurad Quraanka Kariimka ah ka mid ah oo Suuratu Quraysh\‫ سورة قريش‬ah,
uuna Cazza wa Jalla\‫ عزوجل‬ku yiri:
ِ ‫َّي‬
ِ َ‫الشت‬
ِ ‫يَل‬
ِّ َ‫يَل ِف ِهم ِر ْحلَة‬
ِ
ٍ ‫ف قَُرْي‬
َّ ‫) َفْل َي ْعُب ُدوا َر‬2( ‫ف‬
)3( ‫ب َه َذا اْل َب ْي ِت‬
َ ‫ ِِْل‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ْ ‫اء َوالص‬
ْ َ ‫) إ‬1( ‫ش‬
ٍ ‫طعمهم ِمن جوٍع وآَم َنهم ِمن َخو‬
َِّ
)4( ‫ف‬
ْ ْ ْ ُ َ َ ُ ْ ْ ُ َ َ ْ َ‫الذي أ‬
88
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Li iilaafi Qurayshin(1)Iilaafihim rixlata al shshitaa'i wa al ssayfi(2)Fal yacbuduu Rabba haathaa Al Bayti(3) Allathii adhcamahum
min juucin wa aamanahum min khawfin(4)"
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi‫ بسم اهلل الرحمن الرحيم‬. (Nicmadeyda aan ugu
nicmeeyey) Quraysh\‫ قريش‬oo ah caadeysigooda ay jideysteen(1)Ay ka caado yeesheen Safarka
gu'ga iyo Jiilaaka darteed(2)Ee ha caabudaan Rabbiga Baytkaan (oo yeeyan caabudin asnaam
aan u nicmayn)(3)Ahna Rabbiga ka quudiyay gaajo, kana aamin geliyay cabsi(4)".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Iilaaf\‫ أيالف‬wuxuu ka yimid aliftual shay'a\‫ألفت الشيء‬
oo ah waa bilaabay oo jideeyey,
waxaana jira tafsiir taas uga haboon oo ah: safarku waa cad cathaab ah, markaaseyan naftu
jeclayn, oo naftu waxay jeceshay inay safarka ka harto oo ay ehelkeeda la joogto ayna
gurigeeda joogto. Marka: laa ta'lafuhu al nafsu\‫ال تألفه النفس‬, oo ah naftu ma jecla ama kama
caado yeelato oo safarka uma barato.
Al Harawii\‫ الهروي‬wuxuu yiri: "iilaaf\‫ إيالف‬macnihiisu waa xarig, xargahaasoo ah heshiisyadii
ka dhexeeyey Quraysh\‫ قريش‬iyo Boqorrada Cajamka ayadoo uu Haashim\‫ هاشم‬heshiis la lahaa
Boqorka Shaam\‫الشام‬, Al Mudh-dhalibna\‫ المطلب‬yu'aalifu oo uu heshiis la lahaa Boqorka Faaris
(Ciraaq\‫ عراق‬iyo Iiraan\‫)إيران‬, labada kalena uu midkood Boqorka Masar\‫مصر‬, kan kalena
Boqorka al xabashah, kuwaan damboo kala ah Cabdi Shams\‫ عبد شمس‬iyo Nawfal\‫نوفل‬, oo
yu'aalifu macneheedu waxaa weeye, ayuu yiri: yucaahidu wa yusaalixu\‫( يعاهدوا ويصالحوا‬waa
saad)(oo ah waa la heshiiyay oo heshiisna waa la galay, nabadgelyana waa kula heshiiyay)".
Waa intaas warkiisu.
Markii la gaaray xilliga Xajka, ayuu Camr bin Cabdi Manaaf\‫ عمرو بن عبد مناف‬Quraysh\‫قريش‬
shiriyay, una khudbeeyey, wuxuuna ku yiri:
‫ أحسنها وجوها وأعظمها أحالما وأوسط العرب أنسابا وأقرب العرب‬،‫"يا معشر قريش إنكم سادة العرب‬
‫ يا معشر قريش إنكم جيران بيت هللا أكرمكم هللا بواليته وخصكم بجواره دون بني‬.‫إلى العرب أرحاما‬
‫ فأكرموا‬،‫ وأحق من أكرم أضياف هللا أنتم‬،‫ وإنكم يأتيكم زوار هللا يعظمون بيته فهم أضيافه‬،‫إسماعيل‬
‫ فورب‬،‫ فأكرموا ضيفه وزوار بيته‬،‫ضيفه وزواره فإنهم يأتون شعثا غبرا من كل بلد على ضوامر كالقدح‬
‫ وأنا مخرج من طيب مالي وحاللي ما لم يقطع‬،‫هذه البنية (الكعبة) لوكان لي مال يحتمل ذلك لكفيتكتموه‬
.‫فيه رحم ولم يؤخذ بظلم ولم يدخل فيه حرام‬
‫ وأسألكم بحرمة هذا البيت أن ال يخرج رجل منكم من ماله لكرامة‬.‫فمن شاء منكم أن يفعل مثل ذلك فعل‬
".‫زوار بيت هللا وتقويتهم إال طيبا لم يؤخذ ظلما ولم يقطع فيه رحم ولم يؤخذ غصبا‬
Oo macnihiisu yahay:
"Quraysheey, waxaad tihiin Carab madaxdeeda, kuwoodana ugu waji qurxoon, uguna yididiilo
wayn, uguna laan dheereysan, rixim ahaanna Carab ugu dhow. Quraysheey waxaad tihiin
dariska Ilaahay (oo Kacbadu waa Gurigii Ilaahay), wuxuuna idinku karaameeyey Agaasinka
Gurigiisa, adinkuuna ubadka Ismaaciil\‫ أسماعيل‬idinka doortay inaad dariskiisa noqotaan.
Waxaana idiin yimaada martida Ilaahay, oo Gurigiisa inay Wayneeyaan u yimaada, kuwaasoo
89
Martidiisa ah. Adinkaana dadka ugu mudan inaad Martida Ilaahay karaameysaan, marka
Martidiisa iyo kuwa soo booqdah karaameeya. Dadkaasu waxay imaanayaan ayagoo boor leh
oo timohoodu basaas kacsan yihiin, waxayna ka imaanayaan arli kasta ayagoo awr caatowday
oo aad qoryo moodid saaran. Marka Martidiisa iyo kuwa Gurigiisa soo booqday karaameeya.
Waxaan ku dhaartay Rabbiga Gurigaan, haddaan lahaan lahaa maal ku filan waan idiinkaga
filnaan lahaa, hadase waxaan maalkeyga ka bixinayaa intiisa fiican oo xalaasha ii ah, oo aan
riximna lagu goyn, thulmina oo xaqdarrana aan lagu soo qaadan, xaaraanna ayan soo dhex
gelin. Marka midkiinna doonaya inuu isaguna sidaasoo kale suubiyo, ha yeelo. Waxaanna
xurmada Baytkaan idinku waydiisanayaa inuusan midkiinna ka bixin maalkiisa, isagoo
karaameynaya kuwa Guriga Ilaahay soo booqanaya iyo xoojintooda, waxaan ahayn intiisa
fiican oo aan thulmi lagu soo qaadan, riximna aan lagu goyn, xoogna aan lagu soo qaadan."
Markaasey raggii Quraysheed\‫ قريش‬maalkoodii xalaasha ahaa wax ka keeneen oo ay Daaru Al
Nadwah\‫ دار الندوة‬isugu keeneen.
Maalkaas ayuu Camr\‫ عمرو‬intuu xoolo iyo cunno ku soo gado ayuu xujayda siin jiray intay
Mina\‫ منى‬joogaan iyo ilaa ay markay Xajka gutaan Makkah\‫ مكة‬ka ambabaxaan.
Kaddib waxaa qawmkiisa haleeshay abaar kulul, markaasuu wuxuu kahday inuu kallifaad
dheeri ah kusoo rogo. Markaasuu intuu maalkiisa oo idil qaatay wuxuu aaday Shaam\‫الشام‬,
wuxuuna kusoo gaday Kackac\‫ كعكع‬oo ah muufo goobaabin wareegsan ah oo ka samaysan bur,
sonkor iyo subag ama saliid. Markaasuu kackacaas awr soo saaray oo uu Makkata Al
Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬keenay. Markaasuu geel qalay oo uu hilbihiisa kariyay, oo uu muufadii
googooyay oo uu hilbahaas maraqqooda ku daray oo uu markaas cunoo soorta oo kale ah
noqotay oo la yiraahdo Al Thariidu\‫( الثريد‬waa tha saddex dhibcood korka ku leh)(Hilibka
laftiisana waa la yiraahdaa Al Thariidu‫)الثريد‬. Googooynta muufada (iyo hilbaha) waxaa afka
carabiga lagu yiraahdaa hashama\‫هشم‬. Markuu Camr‫ عمرو‬sidaas yeelay ayay dadkii waxay
yiraahdeen
!‫هاشم! هاشم‬
Haashim, Haashim, oo ah midka muufada (iyo hilbaha) googooyay. Markaasuu magaciisa
Camr‫ عمرو‬ahaa wuxuu noqday Haashim‫ هاشم‬, oo u kacay. Gabayaaga la yiraahdo Ibnu Al
Zibacraa‫ إبن الزبعرى‬wuxuuba ka tiriyay gabayga ah:
.‫عمرو الذي هشم الثريد لقومه \\ ورجال مكة مسنتون عجاف‬
"Camruu allathii hashama al thariida li qawmihi
Wa rijaalu Makkata musnituuna cijaafu."
Tixda macneheedu waxaa weeye:
"Camrigii‫ عمرو‬qawmkiisa muufada u googooyay \\
Ayadoo ay ragga Makkata\‫ مكة‬abaarsadeen oo ay caatoobeen."
90
Haashim‫ هاشم‬wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo dadkoo idil caawina, kuwa musaafirka ah iyo
kuwa soo Xajjiyaba, wuxuuna qoday ceel, oo markay biyuhu kasoo burqadeenna uu sheegay
inuu biyahaas dadka oo idil u hibeeyey.
Haashim‫ هاشم‬wuxuu noqday nin ay Carab oo idili deeqsinnimadiisa iyo karaamadiisa iyo
caqligiisa iyo geesinnimadiisa ay wada ammaaneen.
Haashim‫ هاشم‬waxaa kaloo la oran jiray Abu Al Badhxaa'\‫ أبوالبطحاء‬oo ah Aabaha Al
Badhaxaa'\‫البطحاء‬, taasoo Makkah\‫ مكة‬ah, iyo Sayyidu Al Badhaxaa'\‫ سيد البطحاء‬oo ah
hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬. Xilliyada jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa
cunnada mar walba way fidsanaan jirtay, oo meesha ay soomaalidu ka tiraahdo "Dabkiisu ma
dami jirin."
Haashim\‫ هاشم‬iyo Umayyah\‫أمية‬
Markaasaa waxaa xasdiyay wiil uu adeer u ahaa oo magaciisu ahaa Umayyatu bin Cabdi
Shams bin Cabdi Manaaf\‫أمية بنا عبد شمس بن عبد مناف‬, oo uu walaalkiisa Cabdi Shams\‫عبد شمس‬
dhalay.
Umayyatu\‫ أمية‬wuxuu lahaa maal badan, wuxuuna isku dayey inuu sameeyo wuxuu Haashim
\‫ هاشم‬sameeyey oo kale, wuuse kari waayay.
Markaasey rag Quraysh\‫ قريش‬ahi ku farxeen oo ay ku qosleen inuu Haashim‫ هاشم‬gaari
waayey. Markaasuu ka carooday, oo uu markaas maalin maalmala ka mid ah uu adeerkiis
Haashim‫ هاشم‬u yimid wuxuuna usoo jeediyay inuu la faantamo.
Haashim‫ هاشم‬arrinkaas wuu kahday, markuu tixgeliyay nasabkiisa iyo makaankiisa, wuuna ka
diiday.
Quraysh\‫ قريش‬ayaase waxay diiday waxaan ahayn inuu kaahinka (waa faaliyaha) qabiilka
Khuzaacah\‫ خزاعة‬u dhashay labadooda kala xukumo, oo kooda uu kaahinkaasu sheego in laga
adkaaday xukunkiisu uu yahay inuu bartamaha Makkah\‫ مكة‬konton halaad oo geel ah ku
gawraco, Makkana\‫ مكة‬laga musaafiriyo toban sano oo uusan soo geli karin.
Markaasuu Haashim‫ هاشم‬oo rag asxaabtiisa ahi ay la socdaan xagga kaahinkaas u kacay,
Umayyana\‫ أمية‬oo rag asxaabtiisa ahi ay la socdaan isaguna xagga isla kaahinkaas u kicitimay.
Markay kaahinka u yimaadeen, iyo intuusan midkoodna hadlin, ayuu kaahinkii hadlay oo uu
yiri:
"Waxaan ku dhaartay dayaxa iftiinkiisu aragga qaado, iyo xiddigga nuuraya iyo daruurta
roobka sidda iyo inta hawada shimbiro ku sugan iyo intuu ku hanuuno oo uu musaafirku
calaamad ka dhigto, in sarreysa iyo in hooseysaba, Haashim‫ هاشم‬ayaa Umayyah\‫ أمية‬uga sare
maray faantanka."
91
Markaasey intii Haashim‫ هاشم‬la dhanka ahayd farxeen, isagoo wiilka walaalkiis dhalay ka
adkaaday. Ummayah\‫ أمية‬wajigiisu wuu xumaaday, madaxa ayuuna foorariyay.
Kaahinku intaas kuma ekeyne, intuu Umayyah\‫ أمية‬u jeestay ayuu wuxuu yiri:
"Ma waxaad la faantamaysaa oo aad la tartameysaa nin kaa joog dheer, kaana himmad wayn,
kaana qurxoon, kaana eed yar, kaana wiilal badan, kaana deeqsisan?"
Markaasuu Umayyah\‫ أمية‬wuxuu yiri:
"Is rogidda zamanka waxaa ka mid ah inaan adiga garsoore kaa dhigannay."
Markii Makkah\‫ مكة‬lagu soo noqday, Haashim‫ هاشم‬wuxuu soo kexeeyey kontonkii halaad oo
Umayyah\‫ أمية‬laga helay, markaasuu bartamaha Makkah\‫ مكة‬ku bireeyey oo uu hilbohoodana
dadka quudiyay.
Umayyah\‫ أمية‬wuxuu u ambabaxay arliga Shaam\‫الشام‬, halkaasoo uu toban sano ku sugnaa,
siduu xukunku ahaa. Taasi waxay ahayd bilowga iyo colaaddii ugu horreysey oo dhex marta
reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬iyo reer Banii Umayyah\‫بني أمية‬.
Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus
Konton iyo labo sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor
markuu sanadka miilaadigu ahaa shan boqol toddoba iyo labaatan, waxaa Boqortooyada
Roomaanka ee Bari, caasimaddeeduna ahayd Istanbuul ee dalka Turkiga, Boqor u noqday
ninka la yiraahdo Justiiniyaanus. Boqorkaas haweentiisana waxaa la oran jiray Theodora,
taasoo intayan Boqorad noqon jilaa ahaan jirtay oo riwaayadaha dhigi jirtay oo ka shaqayn
jirtay, waxayna ahayd haweeney caqli suuban leh, geesiyadna ah. Sidaas ayay ninkeeda
gargaar iyo cududba ugu ahaan jirtay, ilaa ay isagiiba ka itaal iyo awood badatayba. Boqorku
wuxuu ahaa krishtaan aaminsan ilaahnimada Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, in kastoo uu
basharnimadiisa iyo inuu dad yahay uu hadana aaminsanaa.
Boqorku wuxuu damcay inuu diintiisaas u dhiso kaniisad wayn oo waarta oo ka sarreysa
Haykalka Sulaymaan\‫سليمان‬, Calayhissalaamu, oo Quddus\‫ قدس‬ku yaalla. Markaasuu wuxuu
dhisay kaniisadda la yiraahdo Ayaa Suufiyaa\‫ أيآ صوفيا‬Kaniisadda Xikmada Muqaddaska ah, oo
Istanbuul ku taalla, kaddibna Masjid laga dhigay.
Dhismaha kaniisaddaas kaddib ayuu Boqorku wuxuu ogaaday inay haweentiisu caqiido
middiisa Ciise‫ عيسى‬ka duwan leedahay, ayna aaminsantahay inuu Ciise‫ عيسى‬bashar ahaa oo
uusan Ilaah ahayn, siday aaminsanaayeen dariiqada la oran jiray Nasdhuuriyiinta \‫النسطوريين‬, oo
isaga cadawgiisa ahaa.
Wuxuu kaloo ogaaday inay haweentiisu caqiidadeedaas ay rumaynsantahay oo marka isaga
caqiidadiisa loo fiiriyo gaalnimada ah, ay faafiso. Halkaas ayaa waxaa ka bilawday wada hadal
dhex mara Boqorka iyo Boqoradda oo caqiidadooda ku saabsan, ayaduna ay isku dayeyso inay
ku qanciso in hadduu caqiidadaas ku sii taagnaado ay Masar\‫ مصر‬iyo Suuriya\‫ سورية‬oo markaas
Boqortooyadiisa ka tirsan ay ka go' doonaan, isaguna uu ka baqayo in hadduu caqiidadeeda ku
92
raaco inay Dawladaha Galbeed ka caroonayaan oo ay u dhammeynayaan, oo ay xukunka kala
wareegi doonaan.
Sidaas ayuu wuxuu ku raadiyay si uu labadaas aragtiyood isku waafajiyo oo aragtida cusub ay
uga soo baxdo oo sidaas ku dhalatah uuna ku xambaaro inay qaataan Dawladaha krishtaanka
ah oo idil. Sidaas ayay isaga iyo haweentiisa Theodora waxay isku waafaqeen inay qof walba
oo uu Paapaha Roma fadhiya ka mid yahay, ay waajib ku tahay inuu raaco caqiidada Boqorka
oo oranaysa inuu Ciise‫عيسى‬, Calayhissalaamu, Ilaah ahaa.
Sidaas ayuu Justiiniyaanus wuxuu ku bilaabay aragtida diktaatooriga ah oo keligiis tashiga ah
oo ah inuu Boqorku diinta u madax yahay. Sidaas ayuu shirar ku qabtay, go'aannada uu doono
ay kasoo baxaan, qofkii mucaarad ku noqdana, ayna madaxda kaniisaduhu ka mid yihiin,
xabsiyada ayuu
ku
hubsadaa. Markaasaa waxaa
Istanbuul
(oo waagaas
Qisdhandhiiniyyah\‫ قسطنطينية‬la oran jiray, oo Boqorka Roomaanka ee Qhisdhandhiinus loogu
magac daray) soo gaaray inuu Thuu Nuwaas\‫ذونواس‬, Boqorka Yaman\‫يمن‬, diinta yuhuuddana
galay, Yuusuf-na\‫ يوسف‬uu la baxay, uu dariiqa ka gooyey ganacsatadii roomaanka krishtaanka
ah ahayd, ayagiina uu laayay, xoolohoodiina uu dhacay, isagoo sidaas ugu aar goynaya
walaalihiisa yuhuudda ah oo Boqortooyada Roomaanka lagu cathaabo, ayagoo ay krishtaanku
aaminsanyihiin inay yuhuuddu dishay Ciise‫عيسى‬, Calayhissalaamu, oo ay ayagu Ilaah ahaan u
caabudaan.
Boqorku arrinkaas ma uusan danayn, isagoo mashquul ku ahaa xarbiyo waawayn oo
Boqortooyadiisa ku foorarey, sida la dagaallanka boqortooyada Furus ee Iiraan. Markaasuu
Justiiniyaanus wuxuu ergooyin u kala diray boqorka xabashada oo krishtaan ahaa, magaciisuna
Kaalib\‫ كالب‬ahaa iyo hoggaamiyaha nasaarada Yaman\‫ يمن‬degganayd, uuna uga codsanayo inay
dagaal ku qaadaan Boqortooyada Iiraan, xiriirka ganacsi iyo dhaqaaalena ay u gooyaan,
ayagoo ay saddexdoodu isku diin yihiin, oo ay sidaas waajib ku tahay inay u gurmadaan oo ay
u hiilliyaan walaalohooda ay isku diinta yihiin oo Roomaanka ah.
Gaar ahaan wuxuu ergayguu Justiiniyaanus Boqorka Ximyar\‫ حمير‬ee Yaman\‫ يمن‬uu Boqorka
Yamaneed ka codsaday inuu ninka la yiraahdo Qays\‫ قيس‬u magacaabo odayga hoggaamiyah
qabiilka Macadd\‫معد‬, uuna diyaariyo ciidan wayn oo ka kooban qabiillada Macadd \‫ معد‬iyo
Ximyar\‫حمير‬, kuna duula Boqortooyada Iiraan.
Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬iyo Muslimiinta Ciise\‫ عيسى‬raacsan
Qays\‫ قيس‬wuxuu ahaa nin geesi ah waxtarna ah, ayna dhaleen madaxda qabiilkiisu. Boqorka
Ximyar\‫ حمير‬wuxuu ergayga Boqorka Roomaanka ka ballan qaaday wax suuban inuu yeeli
doono, ballankuu galayse ma uusan oofin.
Boqorka Ximyar\‫ حمير‬ee Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬wuxuu u arkay inay Boqortooyadiisa ay
Dawlado iyo dad krishtaan ahi hareereeyeen, doonayaanna inay xukunka kala wareegaan, oo
xagga Koofureedna waxaa ka xigah boqortooyada xabashada ee Al Najaashiyyi,
caasimadeeduna Aksuum tahay, xagga Waqooyina waaba ayada uu Boqorka Roomaanku ka
codsaday inuu Qays\‫ قيس‬madax uga dhigo qabiilka wayn ee Macadd\‫معد‬.
93
Wadnaha Boqortooyadiisana, ee Gobolka Najraan\‫نجران‬, waaba ayaday ku sugan tahay xarun
ka mid ah kuwa ugu xoog badan ee muslimiinta. Markaasuu wuxuu is tusay in hadduu
krishtaannimada dalkiisa ka tirtiro, uu ciidammada Boqorradaas krishtaanka ah ka ammaan
helayo markay dhuullaankiisa usoo dhaqaaqaan, oo ay dalkiisa soo weeraraan.
Markaasuu Thuu Nawaas\‫ ذونواس‬wuxuu muslimiinta gobolka Najraan\‫ نجران‬ee dalkiisa
degganayd, kuna taagnayd Diinta islaamka ee Nabi Ciise‫عيسى‬, Calayhissalaamu, usoo
jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay diintiisa yuhuudda soo galaan. Markaasey ka diideen.
Markaasaa waxaa kacdoomay muslimiinta degganayd magaalada Thafaar\‫( ظفار‬waa tha korka
dhibic ku leh oo caynka ka horreysa), oo mar caasimadda Yaman\‫ يمن‬ahaan jirtayba, oo
axbaashta ahaa oo hub qaatay.
Markaasuu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬farriin u diray uu ku leeyahay:
"Haddaad is dhiibtaan oo aad Thafaar\‫ ظفار‬gacanta ii soo gelisaan, wax dhibaato ah idiin
geysan maynno, bal waxaan idinku celineynaa arliga al xabashah adinkoo nabad qabah."
Markaasey hadalkiisaas rumaysteen, oo ay usoo bexeen, waxayna ahaayeen saddex boqol oo
nin oo dagaalyahan ah. Markaasuu inta qabqabtay wuxuu u dhiibay yuhuudda oo wada dishay.
Markaasey intay yuhuuddu Thafaar\‫ ظفار‬gashay ayay masjidyadooda gubtay oo ay dab
qabadsiisay, ayada iyo intii dhexdeeda ku jirtayba.
Markaas kaddib Thuu Nawaas‫ ذونواس‬wuxuu warqad u dhigay ninka la yiraahdo Al
Xaarith\‫ الحارث‬oo madaxda degmada Najraan\‫ نجران‬ka mid ahaa, uuna ku waydiisanayo inuu u
yimaado isago wada inta raggooda hub qaadka ah.
Al Xaarith\‫ الحارث‬wuxuu ahaa muslin. Markuu warqadda Boqorka Thuu Nawaas‫ ذونواس‬helay
ayuu Al Xaarith\‫ الحارث‬raggiisa soo aruuriyay oo uu isku keenay, wuxuuna aaday Thafaar \‫ظفار‬
oo ahayd caasimadda Dawladda.
Intuu halkaas u sii socday ayuu wuxuu maqlay siduu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬muslimiinta Thafaar
\‫ ظفار‬u khayaanay, markaasuu gaddoomay oo uu Najraan\‫ نجران‬dib ugu laabtay, halkaasoo uu
isku ilaaliyay, isaga iyo walaalihiisa msulimiinta ahba.
Markaasuu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬Najraan\‫ نجران‬ku duulay, markuu tegeyna uu hareereeyey oo
uu muddo dul fadhiyay, ilaa ay gacantiisa kasoo gashay.
Markaasuu dadkii muslimiinta ahaa wuxuu usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay
diinta yuhuudda galaan, ayaguna way ka diideen.
Markaasuu dhufaysyo dhulka ka qoday oo uu jeexay, uuna qoryo ku guray, dabna uu ku
shiday. Markaasuu muslimiinta wuxuu ka dhigay qaar uu seef ku laayo iyo wuxuu dabkaas ku
dhex rido.
94
Waxaa sidaas ku shahiiday Al Xaarith\‫الحارث‬, oo noqday mid kaniisadaha looga heeso, loogana
duceeyo. Waxaa la dilay in ka badan labaatan kun oo muslin oo dabka lagu riday.
Daws\‫ دوس‬iyo Boqorka Roomaanka Justiiniyaanus
Waxaa dilkaas ka baxsaday ninka la yiraahdo Daws thaa Thaclabaan bin Xasaan bin Tubbaan
Ascadu Abii Kariba\‫دوي بن ذا ثعلبان بن حسن بن تبان أسعد أبي كرب‬, oo uu dhalay Boqorkii Yamaneed
oo uu dilay walaalkiis Camr‫عمرو‬, kaddib markay reer Yamani\‫ يمن‬sidaas kula talisay.
Sababta ay reer Yamani\‫ يمن‬Boqorkaas dilkiisa ugu talisay, oo ay walaalkiis kula taliyeenna
inuu dilo waxay ahayd isago Xasaan\‫ حسن‬ahaa Boqor xarbiyo badan oo dalal badan oo Carab
iyo cajam ahba ku duulay. Markaasuu mar uu duullaan qaaday, markuu joogo arliga Ciraaq
\‫ عراق‬ayay ragga Yamaneed\‫ يمن‬oo ciidankiisa ahaa isagii iyo dagaalkaba naceen, waxayna
dooneen inay ehelkooda iyo dalkooda dib ugu noqdaan.
Markaasey waxay la hadleen walaalkiis, oo isaguna ciidankiisa ka mid ahaa, waxayna ku
yiraahdeen:
"Walaalkaa Xasaan\‫ حسن‬dil, annaguna Boqor ahaan ayaan kuu caleemo saareynnaa,
dalkeennana dib noogu celi."
Markaasuu ka yeelay.
Marka Xasaan\‫حسن‬, Boqorkaas la dilay wiilkiisii oo magaciisu ahaa Daws Thaa Thaclabaan
‫دوس ذا ثعلبان‬, ayaa dilkaas Thuu Nawaas‫ ذونواس‬kasoo baxsaday, oo saxrada kusoo cararay,
socdayna ilaa uu Istanbuul ka tago, taasoo caasimadda Boqortooyada Roomaanka ahayd.
Markaasuu Boqorka Roomaanka oo krishtaanka ah u tegey, wuxuuna uga warramay wixii
dhacay iyo wixii muslimiinta lagu falay, wuxuuna tusay Kitaab Injiil\‫ اإلنجيل‬ah oo uu watay oo
qaarkiis gubtay, wuxuuna waydiistay inuu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬uga hiilliyo.
Justiiniyaanus, Boqorka Roomaanku arrinkaas wuu ka fakaray, oo lama uusan laab kicin,
wuxuuna is tusay inuusan khayr iyo dani ugu jirin u hiillinta muslimiinta Najraan\‫نجران‬,
kuwaasoo aaminsanaa inuu Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, bashar\‫ بشر‬ahaa iyo Nabi iyo Rasuul
Ilaahay soo diray, caqiidadaasoo ka duwan middiisa uu isagu rumaysan yahay oo oraneysa
inuu Ciise‫ عيسى‬Ilaah ahaa.
Wuxuu kaloo is tusay inay Najraani\‫ نجران‬dalkiisa ka fogtahay: marka yaa og waxay
Boqortooyada Iiraan\‫ إيران‬suubin doonto hadduu ciidankiisa Najraan\‫ نجران‬u diro oo uu
xarbigaas dhex galo.
Markaasuu wuxuu Daws\‫ دوس‬ku yiri:
"Beledkaagu waa ka fog yahay beledkeenna, gacanteenuna ma gaarto, oo ma awoodno inaan
ciidankeenna ku qabanno, waxaanse warqad u dhigayaa boqorka xabashada oo isaguna
diintaan ku taagan, beledkiisuna uu beledkiinna midkeenna uga dhawyahay. Marka isagaa ku
taageeraya oo kuu hiillinaya oo kuu gargaaraya, kuna daafacaya, kii ku gardarreystana kaaga
aar goynaya, adiga iyo dadka diintaada ku jirana ka xalaaleystay wuxuu ka xalaaleystay."
95
Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu warqad u dhigay walaalkiisa xagga diinta Kaalib \‫كالب‬
boqorka xabashada, uuna ugu sheegayo xaqqa uu ku leeyahay iyo waxa kasoo gaaray dadkay
isku diinta yihiin, uuna ku amrayo inuu Daws\‫ دوس‬u hiilliyo, ugana aar gooyo midka isaga iyo
dadkay isku diinta yihiin kusoo xadgudbay.
Warqaddiina wuxuu ugu dhiibay Daws\‫ دوس‬laftiisa, kaasoo Istanbuul kasoo baxay, soona
aaday Aksuum, caasimadda dawladda al xabashah.
Waxaa ayaguna boqorkaas xabashada u yimid dad reer Najraan \‫ نجران‬ah oo waydiistay inuu ku
taageero la dagaallanka Thuu Nawaas\‫ذونواس‬.
Markaasuu Al Najaashiyyu wuxuu raggaas ku yiri:
"Anigu rag iyo ciidan dagaallama waan hayaa, mase hayo doonyo aan raggaas saaro (oo Badda
Cas ka tillaabiya). Marka waxaan warqad u dhigayaa Justiiniyaanus, oo aan waydiisanayaa
inuu maraakiib ii soo diro."
Markaasuu boqorka xabashadu wuxuu warqad u dhigay walaalkiis Justiiniyaanus, uuna ku
waydiisanayo doonyo uu kula dagaallamo Yaman\‫يمن‬, uguna hiilliyo diinta Al Masiixu\‫المسيح‬.
Sidaas ayay labadaas Boqor ugu heshiiyeen la dagaallanka Yaman\‫يمن‬.
Markay maraakiibtii soo gaareenna Al Najaashiyyu wuxuu saaray ciidan toddobaatan kun oo
nin ka kooban, wuxuuna taliye uga dhigay ninka la yiraahdo Aryaadh\‫أرياط‬, kaasoo uu amrkaan
siiyay:
"Haddaad ka adkaatid dalool raggooda dil (waa marka saddex meelood loo qaybiyo meel),
dalool arligoodana kharaabi oo burburi, dalool haweenkooda iyo caruurtooda addoonnimo u
qaado."
Ciidankaas uu Aryaadh\‫ أرياط‬taliyaha u ahaa waxaa ka mid ahaa Abraha\‫أبرهة‬, oo isaguna
qorshihiisa u gaarka ah watay.
Ciidankii Badda Cas ayuu ka tillaabay, uuna xeebta Yaman\‫ يمن‬ku degay.
Thuu Nawaas‫ ذونواس‬markuu maqlay khabarkooda, ayuu odayadii qabaa'ilka Yamaneed u
ciddiray inay ku soo biiraan oo ay dalkooda wadajir u daafacaan. Wayse ka diideen oo waxay
yiraahdeen:
"Qabiil walba dhulkiisa ha daafacdo."
Sidaas ayay talada iyo cududda Yamani\‫ يمن‬ku kala dhanbalantay, oo ay u kala firdheen.
Kaddib waxaa iska horyimid ciidankii xabashada oo uu Aryaadh\‫ أرياط‬hoggaaminayo iyo
ciidanka qabiilka Ximyar\‫ حمير‬oo uu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬hoggaaminayo.
Ciidanka Ximyar\‫ حمير‬waa laga adkaaday, goobtaas ayaana Thuu Nawaas‫ ذونواس‬isagoo
dagaallamaya lagu dilay.
Markaasaa nin la yiraahdo Calqamatu Thuu Jadan\‫علقمة ذوجدن‬, oo Thuu Nawaas‫ذونواس‬
geeridiisa u booyaya wuxuu tiriyay gabay ay tixdaani ka mid tahay
96
‫أوماسمعت بقتل حمير يوسفا \\ أكل الثعالب لحمه لم يقبر‬
"Awa maa samicat bi qatli Ximyaru Yuusufan
Akala al thacaalibu laxmahu lam yuqbar."
Tixda macneheedu waxaa weeye:
"Ximyar miyeeyan maqlin dilka Yuusuf
Hilibkiisa dawacooyinka ayaa cunay, lamana duugin."
Soo ma aha geeri la mid ah tii lagu dilay Koofil (waa Richard Corfield, oo gaal ingiriis u
dhashay oo madaxda ciidammada ingiriiska dalka Soomalida u fadhiday ka mid ahaa, madaxna
u ahaa Rukuubleyda - Camel Corps- laguna dilay dagaalkii Ruuga -Dulmadoobe- oo
Daraawiishta iyo Ingiriiska dhex maray sagaalka bisha Oktoobar ee kun iyo sagaal boqol iyo
saddex iyo toban) askarigii ingiriiska ahaa oo uu Sayyid Maxammad Cabdille Xasan dilay,
kaddibna uu yiri:
Koofil
"Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede
Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad , jowhartii aragto
Sida Eebahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiraayadey ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheegoo
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jiriyey ruuxii dheh
Markaan juuq iraahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalaacaye dheg baan , jalaq la ii siin dheh
97
Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaanqaaday
Sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Markay rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jirkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhrwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikaareyn tolkey, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.
Kaddib ayaa waxaa Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan soo gaartay inay koofil walaashiis
weer madow xiratay, ingiriisna ay waydiisatay inuu siiyo ciidan ay Daraawiish kula
dagaallanto oo ay walaalkeed u aargoyso. Markaasuu wuxuu Sayyidku tiriyay gabay magaciisu
yahay Koofil walaashiis, wuxuuna ku yiri:
Koofil Walaashiis
Casayrow adaa muudayoo, meel xilluu kiciye
Adigaaa magaalooyinkii, mari ishaaleeye
Warka lagama maarmee haddii, madal laguu yeesho
Mid yar baan ku sii farahayaa minka ka higaadi
Inkastey majaha kaa xiraan, muuji hadalkeyga
Gabaygaa ha lagu maadsadee, uunka maqashiiya
Waa mahad Ilaahay haddii, Koofil mowd yahaye
Ingiriisba meeshii ka maray, maara waayuhuye
Maantana midkii soo baxaa, mowtigiis galay dheh
Midgaantii walaashiis ahayd, waa tan murugoone
Intay calal madow qaadatay, oohin mirataa dheh
Waa wax maanka laga dhoofiyee, ha iska mowleyso.
Aryaadh\‫ أرياط‬oo amarka boqorkiisa Kaalib\‫ كالب‬fuliyay
Aryaadh\‫ أرياط‬markuu Thuu Nawaas‫ ذونواس‬ka adkaaday, wuxuu meel mariyay amarkii
Boqorkiisa, oo dalool raggii Yamanna\‫ يمن‬wuu laayey, dalool arligaasna wuu burburiyay,
dalool haweenkii iyo caruurtiina wuxuu addoon ahaan ugu diray Al Najaashiyyi ee Boqorka
arliga Xabashada, oo suuqa lagu kala gatay.
98
Markaasey Yamani\‫ يمن‬maahmaah ka dhigatay wuxuu dhibaato Daws Thaa Thaclabaan ‫دوس ذا‬
‫ ثعلبان‬usoo hoggaamiyay, oo xabashada ah, oo Yaman\‫ يمن‬waxay ku fashay ku fashay.
Maahmaahdaasna wa sidatan:
"!‫"ال كدوس وال كأعالق رحله‬
"Laa ka Dawsin wa laa ka aclaaqi raxlihi",
oo ah
"Maya oo ma dooneynno wuxuu Daws\‫ دوس‬falay oo kale iyo wuxuu watay," oo amxaaraduu
keenay ah. Gabayo badan oo dheerdheer ayay reer Yaman\‫ يمن‬ka tiriyeen hoogga iyo ba'da ay
amxaaradu dadkooda iyo dalkooda ku faleen, siday dalkii iyo daarihii u burburiyeen iyo waxay
kuwa madow haweenkooda ku faleen. Gabayaagaas waxaa kuwa ugu af dheer ka mid ahaa
Thuu Jadan Al Ximyariyyi\‫ذوجدن الحميري‬.
Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan kuwa amxaarada iyo gaalada Soomilida Muslinka ah ssoo
gelisay, oo Soomaalida waxay ku faleen ku falay, wuxuu ka yiri waxaa ka mid ahaa, gabayga
Afbakayle la yiraahdo. Abbakayle waa meel degmada Laas Caanood afartan Mayl dhinaca
Galbeed ka xigta, waana goobtii ugu horreysey oo ay Darawiishta iyo Ingiriis dagaal hubaysan
isaga hor yimaadeen saddexdii bisha Maajo ee kun iyo sagaal boqol iyo kow.
Xuseenow caqligu kaama baxo
(Afbakayle)
Xussenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye
Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye
Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala ilaaweynee
Eedaanka maqal waa Salaad, loo addimayaaye
Ilaahii abuurayba kuwii diiday, amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay
Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday
Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aaneystay
Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey
Oo Aw Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey
99
Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey
Oo Mililikh aabe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo Xabashi eedi u noqdee, u ololaynaayey
Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay
Ee Oodagooyoiyo na dhigay, aydii Daratoole
Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey
Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystay
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay
Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay
Ee Eeraago iyo Batalo, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyay
Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey
Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahow lahaa, eyda iga doono
Abaalkayga nimankii ba'shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka
Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay
Nimankii arlada Eebahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay
Nimankii abaartii Caleed, Bari na aadsiiyey
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey
Nimankii ilmada iga qubee, oohin iiga keenay
Nimankaan ku alaaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ajuurada cunee, iibka ii bixiyay
Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomada Ilaah, nooga aargudine
100
Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye
Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne.
Wuxuu kaloo gabayga Dardaaran la yiraahdo ku yiri, kaddib markii uu Ingiriis kun sagaal
boqol sagaal iyo toban markii ugu horreysey taarikhda Afrika uu dayuurado dagaal kusoo
kiciyay Xarunta Darwaawiishta ee Taleex tiillay oo uu duqeeyey, dhulkana kasoo weeraray,
Sayyid Mammad Cabdille Xasanna uu Koofur u guuray, ayuu gabaygaan tiriyay, wuxuuna
yiri:
Dardaaran
Min daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay
Dermo iyo firaash lagu gam'iyo, daalam iyo googgo'
Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey
Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dhakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmay
Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dhukhuulaayey
Dabatoobka Iidoor wuxuu, darayey caarkiisa
Lo' durdura wixii deebla geel, nala ka sii daayey
Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyey
Dirrowgii qabsaday reerkayga, dalankicii gaaray
Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska
Dan la'aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku
Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Maruun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye
Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqqay
Annagu diidi maynoo mar baa, Daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e
Kolna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa
Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa
101
Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa
Inkastoo daleel nala dhigaan, docna nagu cayman
Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaayee
Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede
Anaan labada daarood tan hore, derejo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine
Goortay dareereen anaan, diiradduu qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora weynow kufriga, daacadnuu geline
Ferenjiga dirayska leh anaan, diiradduu qabane
Sida doxorka Iidoora anaan, duudxammaal noqone
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline
Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirane
Anigaan dariiqada Alliyo, Diinta caasiyine
Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye
Waa wixii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye
Waa wixii dayoy yiri intuu, soo dabbaaldegayee
Dadow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan haw yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa
Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado
Daw lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane
Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go'aysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
102
Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay
Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye.
Qorallada ay reer galbeedku dhigeen waxay ku sheegeen inuu ingiriisku waagaas shacbiga
soomaalida ka dilay dalool, oo ah marka saddex loo qaybiyay qayb.
Gabaygaan soo socdana, oo la yiraahdo Maqashiiya Uunka, wuxuu u dhiibay labada nin oo la
kala oran jiray Cabdalla Shixiri iyo Xirsi Afdiir, oo aqoon dheer u lahaa afafka qalaad ee reer
galbeedka, ummadaha shisheeyaha dhex markooda iyo Diinta Islaamkaba, wuxuuna yiri:
Maqashiiya uunka
Cabdalla maan qaboobiyo, Xirsi maakib laawow
Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar
Habaryoonis madasheeda, mariya weedha aan iri
Toljeclaha muraadkaygiyo, masaafadayda ula taga
Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo
Mid mid waxow tiraahdaan, nimanka mooradii furay
Mawaacidada Diinkii, ma wax leysku maagaa?!
Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?!
Mushaarada beenihii, ma wax lagu mannaagaa?!
Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?!
Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?!
Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi
Kutubtaa u maragee, ma wax lagu murmaa baa?!
Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan
Haddaydnaan mujrim ahayn, masala maad u haysaan?!
Masala-gaabyadiinnaa, meel daran idiin dhigay
Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo
Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo
Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaa munkirayoo
Muqfiradii Ilaahay, idinkaa ka maarmoo
Macaankii Firdowsana, idinkaa muraystoo
Muuminnimada laabtaa, idinkaa mantagayoo
Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo
Kufriga i mahoobbiyey, idinkow miciinoo
Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo
Muslinkiyo qusuusidda, idinkaa makalaayoo
Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo
Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo
Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi
Markaad Maxammadkiinnii, malcuun uri ka raacdeen!
Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay
Waxaan maqallay ferenjigu, inuu miiri idin qoray!
Waxaan maqallay maalkii, inuu idinka meersaday!
Waxaan maqallay ooryaha, mid san inaad ka weydeen!
Waxaan maqallay madaxdiinna, in midiidin laga dhigay!
Aan miis yar mooyee, Maydho geel la siinayn!
103
Waxaan maqallay maahyahow, magaciin inuu ba'ay
Intaasoo masiibaa, waxa igala maad badan
Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen!
Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn!
Dadka maanta amxaaro la yiraahdo waa dad Carab reer Yaman \‫ يمن‬ah, una dhashay qabiilka la
yiraahdo Ximyar\‫حمير‬, taariikhda ay tirsatana waa taariikhda Ximyar‫حمير‬, oo amxaaro waa
Ximyar‫ حمير‬oo la is daba mariyay.
Yaman\‫ يمن‬oo gumaysiga xabashada hoos gashay
Kaddib Aryaadh\‫ أرياط‬wuu socday isagoo magaalo kasta oo uu qabsado mid kale uga sii
gudbaya, ilaa Yaman\‫ يمن‬oo idil ay isaga u xasishay oo uu gacanta ku dhigay. Sidaas ayay
Yamani\‫ يمن‬waxay ku noqotay mustacmarad xabashiyeed.
Markay sidaas sanooyin ahayd ayuu ninka la yiraahdo Abraha\‫أبرهة‬, oo ciidanka Aryaadh\‫أرياط‬
ka tirsanaa, wuxuu doonay inuu Boqornimada Aryaadh‫ أرياط‬kala wareego. Markaasuu xukunka
ku qabsaday.
Markaasuu ciidankii xabashadu labo u kala jabay, oo uu jab Aryaadh‫ أرياط‬la saftay, jabka
kalena uu Abraha\‫ أبرهة‬la saf noqday.
Markaasaa waxaa lagama maarmaan noqotay inuu dagaal dhaco si loo kala baxo. Markaasuu
Abraha\‫ أبرهة‬inta ciidanka raacsanaa soo watay uu xagga Aryaadh‫ أرياط‬soo aaday, oo ay labadii
ciidan isu soo dhowaadeen.
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬farriin u diray Aryaadh‫أرياط‬, uu ke leeyahay:
"lagaa yeeli mayo inaad labo ciidan oo xabasho ah iska hor keentid oo ay markaas is
baa'bi'iyaan, ee adigu ii soo bax, anna waan kuu soo baxayaaye, oo labadeenna midkii la dilo
ciidankiisu midka adkaaday ha raaco."
Aryaadh‫أرياط‬, markuu farrintaas helay wuxuu u soo faray Abraha\‫ أبرهة‬farriin uu ku leeyahay:
"Gar ayaad soortay, ee soo bax."
Markaasuu Abraha\‫ أبرهة‬usoo baxay, wuxuuna ahaa nin gaaban oo hilib badan. Aryaadhna‫أرياط‬
wuxuu ahaa nin wayn oo dheer oo qurxoon, gacantana wuxuu ku sitay waran markuu soo
baxay.
Abraha\‫ أبرهة‬wuxuu dhabarka iska mariyay taag uu ku qarsoon yahay nin addoon ah oo uu
isagu lahaa, lana oran jiray Catwadatu\‫عتودة‬. Markaasey markay labadoodii isu soo
dhowaadeen ayuu Aryaadh‫ أرياط‬inta warankiisa kor u qaaday tuuray oo uu Abraha\‫ أبرهة‬madaxa
uga dhuftay, isagoo madaxa la doonayey.
Warankiise wuxuu Abraha\‫ أبرهة‬uga dhacay wajiga, isagoo jeexay sunnada indhaha iyo ishiisa
iyo sanka iyo dhabanka iyo bashimahaba. Taas ayaana u sabab ah in Abraha\‫ أبرهة‬loo bixiyay
Al Ashramu\‫األشرم‬, oo sharima\‫ شرم‬waxaa weeye waa jeexay, waa dillaaciyay. Marka Abraha
104
Al Ashramu\‫ أبرهة األشرم‬waa Abraha dhaban ama canjeex. Markaasaa waxaa Aryaadh‫ أرياط‬soo
weeraray addoonkii Abraha\‫ أبرهة‬ee ahaa Catwadatu\‫عتودة‬, oo dhabarka Abraha\‫ أبرهة‬uga
yimid, oo dilay.
Sidaas ayuu ciidankii Aryaadh‫ أرياط‬wuxuu raacay oo uu u hoggaansamay Abraha\‫أبرهة‬,
ciidankiisana ku darasamay. Markaasey xabashadii Yaman\‫ يمن‬oo idil ay Abraha\‫ أبرهة‬isugu
timid, oo ay u wada hoggaansantay.
Boqornimada Abraha\‫ أبرهة‬ee Yaman\‫يمن‬
Markuu warka ku saabsan wuxuu Abraha\‫ أبرهة‬falay uu boqorka xabshada Al Najaashiyyi
gaaray si xun ayuu u carooday, wuxuuna yiri:
"Amiirkeygii aan magacaabay oo wakiilka iga ahaa ayuu dilay amarkeyga la'aantiis", wuxuuna
ku dhaartay inuu dalkiisa cagta mariyo (waa Yaman\‫ )يمن‬isagana uu guudka ka gooyo (oo
dilo).
Markuu khabarkaasu Abraha\‫ أبرهة‬gaaray, ayuu madaxa iska xiiray, jiraabna uu ciidda Yaman
\‫ يمن‬ka buuxiyay, labadoodiina uu Al Najaashiyyi u diray, warqadna uu u raaciyay, uu ku
leeyahay:
"Boqorow, Aryaadh\‫ أرياط‬wuxuu ahaa addoonkaaga, aniguna waxaan ahay addoonkaaga,
amarkaaga ayaanna isku khilaafnay, annagoo labadeennuba aan adiga daacad kuu nahay,
anigaase amarka xabashada uga xoog badnaa, amarkaasna uga adkaa, ugana siyaaseysnaa oo
uga maareyn fiicnaa. Madaxayga oo dhan ayaan xiiray markay dhaarta Boqorku isoo gaartay,
waxaanna usoo diray jiraab ciidda Yamaneed ah, si uu labadiisa cagood hoostooda dhigo oo uu
cagihiisa mariyo, oo uu sidaas dhaartiisii u meel mariyo."
Markay timihii iyo ciiddii Al Najaashiyyi gaareen, raalli ayuu ku noqday, wuxuuna Abraha
‫ أبرهة‬usoo diray dhambaal oranaya:
"Hawshaada aad arliga Yaman\‫ يمن‬ka haysid ku sugnow ilaa uu amarkeygu kaaga yimaado."
Sidaas ayuu Abraha‫ أبرهة‬wuxuu ku noqday Boqorka Yaman\‫ يمن‬oo ayan cidna ku haysan.
Afka xabashada Abraha‫ أبرهة‬macnihiisu waxaa weeye "midka wajiga cad".
Waxaa la yiri inay dadka xabashada la yiraahdo yihiin ubadka ninka la yiraahdo Xabashu bin
Kuush bin Xaam bin Nuux\‫حبش بن كوش بن حام بن نوح‬, Calayhissalaamu. Waxaa kaloo la yiri
waa ubadka ninka Carabta Yamaneed\‫ يمن‬ah oo la yiraahdo Xabashu\‫حبش‬, uuna ku abtirsado
qabiilka Yamaneed oo la yiraahdo Xabashah\‫حبشة‬. Waxaa kaloo la yiri waxay walaalo yihiin
oo ay wada dhasheen ninka la yiraahdo Barbar\‫ بربر‬oo waa ubadka ku abtirsada ninkii
magaciisu ahaa Jaaluut\‫( جالوت‬oo uu Al Mascuudi\‫ المسعودي‬yiri waa Jaaluut bin Baayuul bin
Riyaal bin Xadhaan bin Faaris\‫ )جالوت بن بايول بن لاير بن حطان بن فارس‬oo u dhashay qabiilka
Carbeed ee Al Camaaliqah\‫العمالقة‬, uuna dilay Nabi Daauud\‫داود‬, Calayhissalaamu, siduu
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, noogu sheegay Aayadda laba boqol kow
iyo konton ee Suuratul Baqarah\‫سورة البقرة‬. Runtana Rabbi ayaa og.
Abraha‫ أبرهة‬markuu Yaman\‫ يمن‬gacanta ku dhigay, oo ay u sugnaatay, ayuu wuxuu u yeeray
Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\‫أبومرة سيف بن ذي يزن‬, oo odayga Yaman\‫ يمن‬ahaa, wuxuuna
105
ka qaatay haweentiisii magaceedu ahaa Rayxaanatu bintu Calqamah bin Maalik ‫ريحانة بنت علقمة‬
\‫بن مالك‬. Haweentaasi waxay Abuu Murrata\‫ أبومرة‬u dhashay Macdii Karib bin Sayf bin Thii
Yazin\‫معدي كرب بن سيف بن ذي يزن‬.
Markuu haweentaas ninkeeda ka qaatay, ayuu Boqorad ka dhigay, uuna guursaday, waxayna u
dhashay wiilkiisa Masruuq bin Abraha\‫مسروق بن أبرهة‬. Wiilkaas waxaa Masruuq\‫ مسروق‬u
bixisay Carabta Yaman\‫يمن‬, uguna bixiyeen in hooyadiis laga xaday ninkeedii qabay, oo
Masruuq\‫ مسروق‬macneheedu waa "Midka la xaday". Wilkaas waxaa kaloo la oran jiray Thii
Shanaatir\‫ذي شناتر‬, oo aabihiis ayaa wuxuu madax uga dhigay oo uu siiyay dhulka la yiraahdo
Shanaatir\‫شناتر‬. Al Shanaatiru\‫ الشناتر‬afka Ximyar\‫ حمير‬waxaa la yiraahdaa faraha gacanta oo
middiina waa Shunturatu\‫شنترة‬.
Markay Yamani\‫ يمن‬u xasishay, maalkiisuna uu batay, ayuu Abraha‫ أبرهة‬wuxuu ku noolaaday
nolol boqornimo iyo hodannimo, wuxuuna dhistay qusuur waaweyn, kaniisadana wuxuu ka
dhisay gobollada Ma'rib\‫ مأرب‬iyo Thafaar\‫ ظفار‬iyo Sanca\‫ صنعاء‬iyo Najraan\‫نجران‬, halkaasoo uu
diinta krishtaanka ka fidin jiray, Carabtana uu ugu yeeray inay Kaniisaddiisa Sanca \‫ صنعاء‬usoo
xajiyaan. Wiilkiisa kale oo magaciisu ahaa Aksuum\‫أكسوم‬, hooyadiisna ay xabashiyad ahayd,
wuxuu u dhiibay talada gobolka Macaahir\‫معاهر‬, markaasaa loo bixiyay Thii Macaahir\‫ذي معاهر‬.
Sidaas ayuusan Abraha‫ أبرهة‬dhegna u raaricin jirin codsiga uga yimaada Boqorrada
Roomaanka oo ahaa inuu Xijaaz\‫ الحجاز‬ku duulo, isagoo ka baqanayey kulaylkeeda iyo
saxradeeda iyo oomaneheeda, oo ma uusan doonayn inuu Boqortooyadiisa ku khamaaro, oo uu
halkaas harraad ugu dhinto siduu Paulus Gallus ugu dhintay oo kale, kaasoo uu Boqorka
Roomaanku u soo diray inuu dalalka Carabta usoo gacan geliyo.
Abraha‫ أبرهة‬wuxuu doonay inuu qabiil walba oo carbeed goonidiisa u maamulo, oo uu ku
dhaqo talada ah kala qaybi oo xukun. Markaasuu wuxuu nin Carab ah u magacaabay Xaakimka
gobolka Tihaamata\‫ تهامة‬oo ka kooban qaar Yaman\‫ يمن‬ka mid ah iyo Xijaaz\‫الحجاز‬, ayna ku
yaalliin Makkata Al Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinata Al Munawwarati\‫المدينة المنورة‬.
Markuu u tegey ayay raggii gobolkaas degganaa dileen, ayadoo uusan hore ninna u talin.
Wuxuu kaloo Abraha‫ أبرهة‬caleemo saaray ninka la yiraahdo Muxammad bin Khuzaacii ‫محمد بن‬
\‫خزاعي‬, wuxuuna madax uga dhigay qabiilka wayn ee Mudar\‫( مضر‬waa daadka kor dhibicda ku
leh), wuxuuna ku amray ninkaas inuu dadka ugu yeero inay kaniisaddiisa Sanca \‫ صنعاء‬ku taalla
usoo xajjiyaan, intay Makkah\‫ مكة‬u xajjin lahaayeen. Ninkaasi markuu arliga Mudar\‫ مضر‬tegey
ayay waxay u direen nin Huthayl\‫ هذيل‬u dhashay oo fallaar ku dhejiyay oo dilay.
Abraha‫ أبرهة‬arrinkaan aad ayuu uga carooday, wuxuuna arkay in inkastoo ay Carabi qabaa'il
kala duwan yihiin, hadana waxa ka dhexeeya oo ay heshiis ku wada yihiin Kacbada Makkah
\‫ مكة‬ku taalla inay tahay.
Markaasuu goostay inuu Gurigaas dumiyo, si ay Carabi u kala firdhato, oo uu sidaas ku wada
xukumo. Markaasaa waxaa dhacay, hadana, arrinka ninka reer Banii Kinaanah \‫ بني كنانة‬u
dhashay oo kaniisaddiisa musqul ahaan u isticmaalay.
106
Markaasuu Abraha‫ أبرهة‬wuxuu gurmad weydiistay Al Najaashiyyi, si uu Makkah\‫ مكة‬ugu
duulo, kaasna uu ciidan iyo maroodiba u soo diray.
Markaasuu Wuxuu Abraha‫ أبرهة‬isku diyaariyay weerar xoog leh oo ayan Carabi mid la mid ah
hore u arag, si ay isku gaaraan gacnaha krishtaanka xabashada iyo Yaman \‫ يمن‬ee Xijaaz\‫الحجاز‬
Koofurta ka xigah, iyo krishtaanka Shaam\‫ الشام‬oo ay reer Ghassaan\‫ غسان‬Boqorrada u yihiin,
iyo krishtaanka Boqorrada Roomaanka ee Caasimaddoodu Istanbuul tahay, oo Xijaaz\‫الحجاز‬
Waqooyiga ka wada xigah.
Qorshaha dhabta ah ee dawladaha krishtaanka ah
Qorshahana waxaa ka mid ahaa inay dadka Makkana\‫مكة‬, markay Kacbada dumiyaan,
krishtaan ka dhigaan, Kacbadana ay Krishto suraan. Sidoo kale, waxaa qorshohooda ka mid
ahaa in intaas kaddib ay Boqortooyada Iiraan oo dabka caabudi jirtay, ay labada dhinac ee
Koofur iyo Galbeed isla mar kasoo weeraraan, si ay halkaasna Caasimaddooda Al Madaa'in
\‫ المدائن‬krishto u suraan, dadkoodana ay krishtaan ka dhigaan, oo sidaas adduunkoo idil
krishtaan ku noqdo, isla markaasna ay dhaqaalaha adduunka oo idil gacanta ku dhigaan iyo
ganacsiga iyo waddooyinka ganacsiga loo maraba.
Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\‫ أبومرة سيف بن ذي يزن‬iyo Kisraa Anuu Shirwaan ‫كسرى أنو‬
\‫شروان‬
Markaasuu Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\‫ أبومرة سيف بن ذي يزن‬wuxuu aaday oo uu u tegey
Boqorka Iiraan\‫إيران‬, oo magaciisu ahaa Kisraa Anuu Shirwaan\‫ كسرى أنو شروان‬. Kisraa\‫كسرى‬
waa magac uu qaato Boqor kasta oo Iiraan\‫إيران‬, sida uu Boqor kasta oo Masartii\‫ مصر‬hore
Fircoon\‫ فرعون‬loo oran jiray, Boqor kasta ee arliga xabashada Al Najaashiyyi \‫ النجاشي‬loo oran
jiray, Boqor kasta oo Roomaankana Qaysar\‫ قيصر‬loo oran jiray, maantana nin walba oo dal
madax u ah Madaxweyne loo yiraahdo.
Anuu Shirwaan‫ أنو شروان‬macneheedu waxaa weeye Midka Boqortooyada cusbooneysiiyay,
kaddib markay burburtay oo ay googo'day.
Abuu Murrata\‫ أبومرة‬markuu Kisraa\‫ كسرى‬u tegey wuxuu weydiistay taageero si uu xabshada
dalkiisa uga saaro, Kisraana waa ka oggolaaday, ballankiisaas-se ma uusan oofin. Abuu
Murrata\‫ أبومرة‬halkaas ayuu ku sugnaa, isagoo dhawraya inuu Kisraa\‫ كسرى‬ballankiisa oofiyo,
wuxuuna sugayay toddoba sano, isagoo weli sugaya ayuuna halkaas ku dhintay.
Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬iyo Qaysarka\‫ قيصر‬Roomaanka
Kaddib wiilkiisa Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬ayaa markuu gumeysiga Xabashada iyo
dulligooda u adkeysan waayey, ayuu isaguna wuxuu aaday Qaysar \‫ قيصر‬Boqorka Roomaanka
ee caasimaddiisu Istanbull ahayd, si uu taageero ku weydiisto, ayadoo ayanba qalbigiisa ku soo
dhicin inuu Boqorkaasi krishtaan yahay, oo uu sidaas Abraha\‫ أبرهة‬walaalkiis xagga diinta
yahay, uuna la wado qorshaha ku duulidda Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo
krishtaaneynta Carabta, si ay krishtaanka Koofureed iyo kuwa Waqooyi isu gaaraan oo uusan
dhul diin kale ku taaganba uusan u dhexeyn.
107
Boqorka Roomaanku markuu Sayf\‫ سيف‬la hadlay oo uu taageero weydiistay, wuxuu ugu
jawaabay inay Yamani\‫ يمن‬arligiisa ka fogtahay, gobolkaasna uusan dan iyo xaajo ka lahayn.
Sayf\‫ سيف‬wuxuusanba ogayn inuu ahaa Boqorka Roomaanka midka soo abaabulayba
duullaanka xabashada ee Yaman\‫ يمن‬iyo ujeedadiisa fog oo aan soo sheegnay.
Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬iyo Al Nucmaanu bin Al Munthir‫النعمان بن المنذر‬
Sayf\‫ سيف‬wuxuu Istanbuul kasoo laabtay isagoo fara maran. Kaddib wuxuu aaday Al
Nucmaanu bin Al Munthir‫( النعمان بن المنذر‬waa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah),
Boqorka Carbeed ee Al Xiirah\‫الحيرة‬, oo hadda arliga Ciraaq\‫ عراق‬ka mid ah, wuxuuna ugu
tegey qasrigiisii la oran jiray Al Khawrnaqu\‫الخورنق‬.
Al Nucmaan bin Al Munthir‫ النعمان بن المنذر‬wuxuu gobolkaas wakiil uga ahaa Kisraa Boqorka
Iiraan, oo ay boqortooyadiisa ka tirsanayd. Al Nucmaan\‫ النعمان‬waa eray macnihiisu yahay
dhiig, oo wuxuu la mid yahay Al damu\‫الدم‬.
Markaasuu dhibaatada ay xabashadu Yaman\‫ يمن‬ku hayso uga eed sheegtay. Al Nucmaan
\‫ النعمان‬wuxuu Sayf\‫ سيف‬ku yiri:
"Anigu sanadkiiba mar ayaan Kisraa\‫ كسرى‬wafdi ahaan ugu tagaa. Marka ila joog ilaa
waqtigaas aan aadayo laga gaaro, markaasaan kuu geynayaa."
Caasimadda Boqortooyada Iiraan waxay ahayd Al Madaa'in\‫ المدائن‬oo hadda Ciraaq\‫ عراق‬ku
taalla, Baghdaadna\‫ بغداد‬u jirta shan iyo labaatan Mayl, uuna furtay Amiirul Mu'miniin Abuu
Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka
noqdee, bisha Safar\‫ صفر‬ee sanadka lix iyo tobnaad ee Hijrada. Ciidammada furtayna waxaa
taliye u ahaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abtigiis Sacad bin Abii
Waqqaas\‫سعد بن أبي وقاص‬, Allaha raalli ka noqdee.
Markay Al Madaa'in\‫ المدئن‬tageen, Al Nucmaanu bin Munthir‫ النعمان بن المنذر‬wuxuu Sayf bin
Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬u geeyey Kisraa Anuu Shirwaan bin Qubaath\‫كسرى أنوشروان بن قباذ‬
(waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xiga).
Sayf\‫ سيف‬waxaa laga soo geliyay albaab caam ah oo dadku ka soo wada galo , markaasuu
wuxuu soo galay oo uu xagga Kisraa\‫ كسرى‬usoo socday isagoo madaxa foorarinaya.
Markaasuu Kisraa\‫ كسرى‬wuxuu yiri:
"Midkaan doqonka ahi albaabkaas fog ayuu iiga soo gelayaa, markaasuu madaxiisa
foorarinaya".
Warkaas markii Sayf\‫ سيف‬loo sheegay ayuu wuxuu yiri:
"Boqorow waxaan sidaas u yeelay ayadoo ay kurbada i haysa wax walboo kale ay ka
wayntahay."
Markaasuu Kisraa\‫ كسرى‬u oggolaaday Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬inuu hadlo, kaasoo
yiri:
"Boqorow, beledkeennii waxaa nooga adkaaday xabasho, waxaanna kuugu imid inaad ii
hiillisid, kaddibna aad dalkeyga yeelatid (markaan xabashada ka saarno)".
108
Kisraa wuxuu ogaa in Boqortooyada Roomaanka iyo midda xabashadu ay isaga daraadiis isku
gaashaanbuursadeen, wuuna maqlay sida ciidankii maroodiga Makkah\‫ مكة‬loogu jebiyay.
Marka wuxuu doonayey inuu xooggiisa wada haysto, wuxuuna Sayf\‫ سيف‬ugu jawaabay:
"Beledkaagu waa fogyahay, khayrkiisuna waa yaryahay, mana doonayo inaan ciidanka Iiraan
arliga Carabta geeyo, oo xaajo kama lihi."
Kaddib wuxuu Kisraa\‫ كسرى‬Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬siiyay toban kun oo Dirham iyo
arratir qurxoon.
Markuu intaas gacanta ku dhigay oo uu qasriga kasoo baxay, Sayf\‫ سيف‬wuxuu lacagtii u
firdhiyay oo uu siiyay dadkii qasriga agtiisa joogay. Khabarka waxaa uu sameeyey wuxuu
gaaray Kisraa\‫كسرى‬, kaasoo yiri:
"Ninkaan waxbuu u dan leeyahay", wuuna u ciddiray, markuu u yimidna wuxuu ku yiri:
"Maxaa kugu xambaaray inaad hadiyadduu Boqorku ku siiyay aad dadka u firdhisid?"
Sayf\‫ سيف‬wuxuu yiri:
"Buuraha dalkeyga aan ka imid ma aha waxaan ahayn dahab iyo qalin", taasoo uu Kisraa hore
ugu maqlay.
Markaasuu Kisraa\‫ كسرى‬madaxda Dawladdiisa shiriyay, uuna ku yiri:
"Muxuu amarka ninkaani idinla yahay, maxaadna wuxuu doonayo aad ka leedihiin?"
Waxay yiraahdeen:
"Boqorow, xabsiyadaada waxaa ku jira rag aad dil ku xukuntay. Marka, haddaad raggaas
ninkaan ku dartid oo ay ciidan u noqdaan, hadday le'daan oo la dilana waa sidaad la
dooneysey, hadday adkaadaanna waxaa kugu soo korortay Boqortooyo kale".
Markaasuu Kisraa Anuu Shirwaanbin Qubaath\‫ كسرى أنوشروان بن قباذ‬wuxuu Sayf bin Thii yazin
\‫ سيف بن ذي يزن‬siiyay oo uu ku daray toddoba kun iyo shan boqol oo nin, siduu Ibnu Qutaybah
\‫ إبن قتيبة‬yiri. Tirooyin kalena waa la sheegay.
Kisraaga uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warqadda u dhigay
Markay muslimiintu Al Madaa'in\‫ المدآئن‬furteen, caasimadda Boqortooyada Iiraan, uuna furtay
Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن‬
\‫الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, Boqorka laga furtayna, oo la yiraahdo Kisraa Yazdajrid ‫كسرى‬
\‫يزدجرد‬, uu u cararay magaalada la yiraahdo Isdhakhra, wixii qasriga laga helayna oo ay
muslimiintu ghaniimeysteen waxaa ka mid ahaa shan seefood oo ayaan ayagoo kale hore loo
arag, oo kala ahaa:
(Kow) Seefta Kisraa Abarwayza\‫كسرى أبرويز‬.
(Laba) Seefta Kisraa Anuu Shirwaan\‫كسرى أنوشروان‬.
(Saddex)) Seefta Al Nucmaanu bin Al Munthir\‫النعمان بن المنذر‬, Boqorka Carbeed ee Al Xiirah
\‫الحيرة‬, oo uu Kisraa Anuu Shirwaan‫ كسرى أنوشروان‬kala wareegay markuu dilay, kaddib markuu
u carooday, oo uu markaas maroodi u tuuray, kaasoo ku tuntay oo dilay. Al Dhabarii \‫الطبري‬
wuxuu arrinkaas ka yiri: "Bal Al Nucmaanu‫ النعمان‬wuxuu u dhintay daacuun dilay isagoo ku
jira xabsiga Kisraa Anuu Shirwaan‫كسرى أنوشروان‬.
109
(Afar) Seefta Boqorka Turkiga Khaaqaan\‫( خاقان‬oo Khaaqaan‫ خاقان‬waa Boqorka kasta oo
Turkiga u taliya).
(Shan) Seefta Boqorka Roomaanka ee magaciisu ahaa Hirqal \‫هرقل‬, seeftaasoo Kisraa\‫كسرى‬
usoo wareegtay markuu ka adkaaday Boqorka Roomaanka, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa
Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, noogu sheegay Aayadda labaad ee Suuratu Ruum\‫سورة الروم‬, uuna
ku yiri:
)2( ‫وم‬
ُّ ‫ُغلِ َب ِت‬
ُ ‫الر‬
"Ghulibati Al Ruumu(2)."
oo macneheedu yahay
"Waxaa lagaga adkaaday Ruumm(2)."
Sidaas ayay ahayd siday seefta Al Nucmaanu bin Al Munthir\‫ النعمان بن المنذر‬ugu soo wareegtay
Boqorka Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan\‫كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروان‬.
Kisraa Abarwayz‫ كسرى أبرويز‬wuxuu lahaa, sida la yiri, kun maroodi, konton kun oo faras,
saddex kun oo haween ah, siduu Al Dhabarii\‫ الطبري‬ugu xusay Taariikhdiisa mujalladka
koowaad bogga boqol saddex iyo lixdan,
Al Mascuudina\‫ المسعودي‬kitaabkiisa Muruuju Al Thahabi\‫ مروج الذهب‬mujalladka koowaad
bogga laba boqol sagaal iyo toddobaatan.
Abarwayz\‫ أبرويز‬macneheedu waxaa weeye "Midka libta hela oo adkaada".
Boqorka Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan‫ كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروان‬waa
midkuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warqadda u dhigay uu Islaamka
ugu yeerayo, markuu warqaddaas helayna uu jeexjeexay.
Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu wariyay naskii warqaddaas, wuxuuna yiri:
"Waxyaalihii sanadka lixaad ee Hijrada dhacay waxaa ka mid ahaa inuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kisraa\‫ كسرى‬warqad u dhigay, uuna ugu dhiibay Cabdu
Allaahi bin Xuthaafata Al Sahmiyyi\‫عبد هللا بن حذافة السهمي‬, waxaana ku dhignayd:
‫ وآمن باهلل‬،‫ سالم على من اتبع الهدي‬.‫ من محمد رسول هللا إلى عظيم فارس‬.‫"بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫ فإن‬.‫ أسلم تسلم‬،‫ لينذر من كان حيا‬،‫ إلى الناس كافة‬،‫ وأني رسول هللا‬،‫ وشهد أن ال إله إال هللا‬،‫ورسوله‬
".‫أبيت فعليك إثم المجوس‬
"Bi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Min Muxammadin Rasuula Allaahi ilaa
Kisraa Cathiimi Faaris. Salaamun calaa man ittabaca al hudaa, wa aamana bi Allaahi wa
Rasuulihi, wa shahida an laa Ilaaha illaa Allaahu, wa annii Rasuulu Allaahi, ilaa al naasi
kaafatan, li yunthira man kaana xayyan, aslim taslam. Fa in abayta fa calayka ithmu al
Majuusi."
Warqadda macneheedu waxaa weeye:
"Bismillaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬. Waxay ka socotaa Muxammad
Rasuulka Ilaahay, waxayna u socotaa Kisraa Cathiimka Faaris (oo Iiraan ah), nabadgelyo ha
ahaato korka ruuxii hanuunka raaca, rumayana Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kana marag kaca
110
inuusan Ilaah aan Ilaahay ahay jirin, aniguna aan Rasuulka Ilaahay ahay (oo yiraahda weeye
Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa anna Muxammadan Rasuulu Allaahi ‫أشهد أن ال إله إال هللا‬
\‫)وأن محمدا رسول هللا‬, oo dadkoo idil loo diray, si uu ugu digo kuwa nool. Islaan (oo waa Diinta
Islaanka soo gal oo muslin noqo) waad nabad geleysaaye. Haddaad diidana waxaa korkaaga ah
dambiga Majuusta\‫ ( المجوس‬oo ah Iiraaniyiinta uu Boqorka u yahay oo dabka caabuda)".
Markaasuu warqadda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam jeexjeexay.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"مزق ملكه‬
"Muzziqa mulkuhu" oo ah "Ha la jeexjeexo boqortooyadiisa."
Wuxuu kaloo Al Dhabarii\‫ الطبري‬yiri:
"Waxaa noo warramay Ibnu Xumayd\‫إبن حميد‬, wuxuuna yiri: "waxaa noo warramay Salamah
\‫ سلمة‬oo ka wariyay Muxammad bin Isxaaq\‫ محمد بن إسحاق‬oo ka wariyay Yaziid bin Xabiib ‫يزيد‬
\‫ بن حبيب‬oo yiri:
"Wuxuuna (Waa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa sanadkaas lixaade)
u diray Cabdu Allaahi bin Xuthaafah bin Qays bin Cadiyyi bin Sacd bin Sahm ‫عبد هللا بن حذافة بن‬
\‫ قيس بن عدي بن سعد بن سهم‬Kisraa bin Hurmuz\‫ كسرى بن هرمز‬Boqorka Faaris\‫فارس‬, wuxuuna ugu
dhibay warqaddaan:
‫ وآمن‬،‫ سالم على من اتبع الهدي‬.‫ من محمد رسول هللا إلى كسرى عظيم فارس‬.‫"بسم هللا الرحمن الرحيم‬
،‫ وادعوك بدعاء هللا‬،‫ وأن محمدا عبده ورسوله‬،‫ وشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له‬،‫باهلل ورسوله‬
‫ فإن أبيت‬،‫ فاسلم تسلم‬،‫فإني أنا رسول هللا إلى الناس كافة ألنذر من كان حيا ويحق القول على الكافرين‬
".‫فإن إثم المجوس عليك‬
"Bi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Min Muxammadin Rasuula Allaahi ilaa
Kisraa Cathiimi Faaris. Salaamun calaa man ittabaca al hudaa, wa aamana bi Allaahi wa
Rasuulihi, wa shahida an laa Ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika lahu, wa anna
Muxammadan cabduHu wa RasuuluHu, wa adcuuka bi ducaa'i Allaahi, fa innii anaa
Rasuulu Allaahi ilaa al naasi kaafatan li unthira man kaana xayyan wa yuxiqqa al qawlu
calaa al kaafiriina, fa aslim taslam, fa in abayta fa inna ithma al Majuusi calayka."
Warqadda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬. Waxay ka socotaa Muxammad
Rasuulka Ilaahay, waxayna u socotaa Kisraa Cathiimka Faaris. Nabadgelyo ayaa ah korka
cidda hanuunka raacda, ee rumeeya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kana marag kaca inuusan jirin
Ilaaha aan Ilaahay ahayn Keligiis shariikna uusan lahayn iyo inuu Muxammad yahay
Addoonkiisa iyo Rasuulkiisa (oo yiraahda weeye: Laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa
shariika lahu wa anna Muxammadn Cabduhu wa Rasuuluhu ‫أشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له وأن‬
\‫)محمدا عبده ورسوله‬, waxaanna kuugu yeerayaa wuxuu Ilaahay kuugu yeeray, oo anigu waxaan
ahay Rasuulka Ilaahay uu dadkoo idil usoo diray si aan inta nool ugu digo, cathaabtuna ay ku
dhabowdo gaalada korkooda. Marka Islaan waad nabad geleysaaye. Haddaad diidana dambiga
Majuusta\‫ المجوس‬ayaa adiga korkaaga ah."
111
Markaasuu markuu Kisraa\‫ كسرى‬warqaddaas akhristay ayuu jeexjeexay, wuxuuna yiri:
"Ma warqaddaanuu ii soo dhigayaa isagoo addoonkeyga ah?"
Labada warqadood iyo warka la xiriiraba waxaan kasoo guurinnay Taariikhu Al Dhabarii ‫تاريخ‬
\‫الطبري‬, Mujalladka labaad bogga boqol iyo laba iyo soddon.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka loo sheegay inuu warqaddiisii
jeexjeexay, ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u Alle Baryey inuu qoladaas Ilaahay
jeexjeexo, Ilaahayna waa ka yeelay wuuna jeexjeexay, oo kala googooyey.
Boqorkaas sidaas warqadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u jeexjeexay,
Nabiguna uu u Alle Baryay, waxaa dilay wiilashiisa uu isagu dhalay, waxayna dileen habeen
talaado ah ee tobanka Jamaadul Uulaa\‫ جماد اآلولى‬ee sanadka toddobaad ee Hijrada.
Isla Boqorkaan Kisraa Abarwayz\‫ كسرى أبرويز‬waa ninka Boqortooyada Roomaanka ka
adkaaday, ayna Aayyadda labaad ee Suuratu Ruum\‫ سورة الروم‬noo sheegtay, waxaana awoowe
u ah Kisraa Anuu Shirwaan\‫أنوشروان‬.
Wiilashiisu siday u dileen waxay ahayd sida soo socota. Wiilkiisa Farkhaan\‫ فرخان‬ayaa wuxuu
ku riyooday isagoo carshiga aabihiis ku fariisto ku fadhiya. Markuu khabarka riyadaasi aabihiis
gaaray ayuu wiilkiisa kale oo magaciisu Shahriyaar\‫ شهريار‬ahaa oo gobol xaakim uga ahaa,
ayuu warqad u dhigay, uuna ku amrayo inuu walaalkiis Farkhaan\‫ فرخان‬dilo.
Markaasuu Shahriyaar\‫ شهريار‬warqaddaas walaalkiis ka qariyay oo uusan waxa ku dhigan u
sheegin, walaalkiisna uusan dilin.
Markaasuu aabihiis warqad labaad usoo dhigay uu ku amrayo inuu walaalkiis Farkhaan\‫فرخان‬
dilo, Shahriyaar-na\‫ شهريار‬waa ka diiday.
Markaasuu aabihiis Shahriyaar\‫ شهريار‬xilka ka qaaday oo uu cazilay, xilkiina uu ku wareejiyay
walaalkiis Farkhaan\‫فرخان‬, kaasoo uu amray inuu walaalkiis Shahriyaar\‫ شهريار‬dilo. Markaasuu
Farkhaan\‫ فرخان‬u kacay inuu walaalkiis dilo.
Markaasuu Shahriyaar\‫ شهريار‬wuxuu walaalkiis Farkhaan\‫ فرخان‬tusay warqadduu aabihiis isaga
hore ugu soo dhigay inuu isaga laftiisa dilo.
Markaasey labadii walaalaha ahaa isi soo raaceen inay aabohood dilaan, waxayna taageero
weydiisteen Boqorka Roomaanka. Markaasey Iiraaniyiintu Kisraa Abarwayz \‫كسرى أبرويز‬
sababo uu la yimid daraadeed u cazileen oo ay Boqornimada uga qaadeen, una xabbiseen,
Boqornimana ay wiilkiisa kale ee Shiirawayh\‫ شهريار‬u caleemo saareen. Kaddibna waxay
wiilkiisa ku yiraahdeen:
"Boqortooyo kuu xasili mayso jeer aad aabahaa dishid".
Markaasuu aabihiis cid disha u diray, oo sidaas lagu dilay. Aabihiisna wuxuu
Shiirawayh\‫ شيرويه‬ku oran jiray:
"Midka cimriga gaabanow", wuxuuna aabihiis ka dambeeyey wax lix bilood ka yar. Runta
Rabbi ayaa og.
112
Taajka Kisraa\‫كسرى‬
Taajka Kisraa\‫ كسرى‬wuu ka culusaa inay qoortiisu qaaddo oo ay xajjiso, wuxuuna surnaa
silsilad dahab ah oo carshigiisa korkiisa kasoo laadlaaday. Taajku wuxuu le'ekaa beegga la
oran jiray Al Qanqalu\‫القنقل‬, oo qaadey saddex iyo soddon Man\‫من‬, halkii man-na\‫ من‬waa laba
rodol, oo sidaasuu wuxuu ku ahaa beeg lix iyo lixdan rodol qaada.
Taajku wuxuu ka samaysnaa dahab lagu dheehay yaaquut iyo luul iyo zabarjad iyo qalin,
waxaana ku daboolnaa maro. Markuu Kisraa\‫ كسرى‬carshigiisa ku fariisto, ayaa marada laga
qaadi jirey oo uu madaxiisa dhex gelin jiray. Marka marada laga faydo, qofkaan hore u arkin,
wuu jilbo jabsan jiray oo sida awrta ayuu u arrunsan jiray (fariisan jiray) haybaddiisa
daraadeed.
Sidaas ayuuna Sayf bin Thii Yazin\‫سيف بن ذي يزن‬, markuu usoo galay, uu sida ratiga oo kale u
jilbo jabsaday.
Markay Al Madaa'in\‫ المدآئن‬Muslimiintu furteen bisha Safar\‫ صفر‬ee sanadka lix iyo tobnaad ee
Hijrada, waxaa taajkaas loo keenay Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab\‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, markii salab ahaan looga
soo furtay Kisraa Yazdajird bin Shahriyaar\‫كسرى يزدجرد بن شهريار‬, oo ka dhaxlay awoowihiis
Anuu Shirwaan\‫أنوشروان‬.
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu u yeeray Suraaqata bin Maalik Al Mudlijiyyi ‫سرافة بن مالك‬
\‫المدلجي‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna gacnaha u suray dugaagadihii Kisraa \‫كسرى‬, taajkiina
madaxa ayuu u saaray, wuxuuna ku yiri:
"Waxaad tiraahdaa: Al xamdu li Allaahi\‫الحمد هلل‬, Ilaaha Kisraa, Boqorka Boqorrada, taajkiisa
madaxiisa kasoo siibay, saarayna madaxa nin Carab ah oo reer miyyi ah oo reer Banii
Mudlij\‫ بني مدلج‬u dhashay, taasna lagu helay cizziga iyo xoogga Islaamka, oo aan tabarteenna
lagu helin."
Cumar\‫ عمر‬wuxuu Suraaqah\‫ سراقة‬taajka iyo dugaagadaha gooni ugu siiyay, ayadoo uu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Suraaqah\‫ سراقة‬ku yiri:
"‫"يا سراقة كيف بك إذا وضع تاج كسرى على رأسك واسواره في يديك؟‬
"Yaa Suraaqu kayfa bika ithaa (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xiga) wudica
(waa daadka dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) taaju Kisraa calaa ra'sika wa iswaaruhu
fii yadayka", ama sida uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiriba.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Suraaqow\‫ سراقة‬bal ka warran marka taajka Kisraa\‫ كسرى‬madaxa laguu saaro,
dugaagadihiisana labada gacnood laguu geliyo?!".
Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al
Nubuwwah\‫ دالئل النبوة‬mujalladka saddexaad bogga boqol kow iyo soddon.
113
Boqorrada Iiraan
Abarwayz\‫ أبرويز‬kaddib wiilkiisa Saabuur bin Abarwayz\‫ سابور بن أبرويز‬ayaa qiyaas in laba
bilood ku siman ee waqtigii Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Boqornimada hayey.
Isaga dabadiisna waxaa Kisraa noqday walaalkiis Shiirawayh\‫شيرويه‬, oo Boqornimada qiyaas
laba bilood hayey.
Isaga dabadiisana waxaa Boqorad noqotay walaashood Buuraan \‫بوران‬. Markuu khabarka
caleemo saarkeedu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaray ayuu wuxuu
yiri:
".‫"ال يفلح قوم ملكتهم امراة‬
"Laa yuflixo qawmun malakathum imra'atun", siduu ugu wariyay Al Bukhaarii\‫البخاري‬
mujalladka lixaad bogga tobanaad. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma liibaanayo qawm ay haweeni Boqorad (Madaxweyne) u noqotay." S
harcigaas ayaa u diidaya inay haweeni ummad Islaam ah ay Boqorad ama Madaxweyne u
noqoto.
Buuraan\‫ بوران‬waxay Boqorad ahayd lix bilood kaddibna way dhimatay.
Markaasey talada Boqortooyada Iiraan kala daadatay. Markaasey waxay Boqor ka dhigeen
Yazdajrid bin Shahriyaar\‫يزدجرد بن شهريار‬, kaasoo uu Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عمر بن‬
\‫ الخطاب‬jebiyay, oo ay Iiraan Dawladda Islaamka ka mid noqotay.
Kisraa Yazdajrid\‫ كسرى يزدجرد‬wuu cararay, waxaana laga helay isagoo ku dhuuntay tuulada la
yiraahdo Marwa\‫ مرو‬oo ku taalla dhul adag oo saxrada dhexdeeda ah ee arligaas Iiraan\‫ إيران‬,
bilawga Khilaafadii Amiiru Al Mu'miniin Thaa Al Nuurayn Cuthmaan bin Caffaan ‫أمير المؤمنين‬
\‫ذا النورين عثمان بن عفان‬. Markaasaa la dilay, maydkiisana lagu dhex tuuray gacanka tuuladaas
ku yiillay.
Saabuur\‫ سابور‬macneheedu waxaa weeye: Shaah\‫ شاه‬oo afka Iiraan ah Boqor, iyo Buur\‫ بور‬oo
ah wiilka, marka waa Shahbuur\‫ شهبور‬oo ah wiilka Boqorka. Markaasey Carabtu ha'dii ka
reebeen oo ay Saabuur\‫ سابور‬ka dhigeen.
Waxaaba la yiri in magaalada la yiraahdo Niisaabuur\‫نيسابور‬, oo Saabuur\‫ سابور‬asaasay oo uu
dhisay, oo Nii\‫ ني‬macneheedu waa magaalo, Saabuurna\‫ سابور‬waa isaga, oo marka waa
magalada Saabuur. Boqorro badan oo Saabuur\‫ سارور‬la yiraahdo ayaana dalkaas u taliyay.
Runtana Rabbi ayaa og.
114
Al Iskandar\‫ اإلسكندر‬iyo Daaraa\‫دارا‬
Qiyaas sideed boqol iyo todobaatan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka hor ayuu Boqorka Dawladda Griiggu Al Iskandar bin Filips wuxuu ku soo
duulay Boqortooyada Iiraan, oo uu markaas Boqor ka yahay Kisraa Daaraa bin Daaraa ‫دارا بن‬
‫دارا‬, uuna jebiyay oo ka adkaaday.
Markii dagaalka la gelayey ayuu Al Iskandar\‫ األسكندر‬wuxuu ciidankiisa amray inaan
Daaraa\‫ دارا‬la diline ee lasoo qabto oo isaga laftiisa loo keeno. Mase ayan noqonoo laba askari
oo ka mid ahaa kuwii Daaraa\‫ دارا‬ilaalinayey ayaa dhabarka ka wareemay oo dilay, ayagoo Al
Iskandar\‫ اإلسكندر‬abaalgud uga doonaya.
Labadii nin waa lasoo qabtay, waxaana loo keenay Al Iskandar \‫اإلسكندر‬, kaasoo amray in
madaxa laga gooyo kaddibna maydkooda la waro.
Labadii nin waxay la yaabeen xukunkiisa, oo filan waa ku noqday, ayagoo abaalgudba
sugayey. Markaasey waxay weydiiyeen sababta uu xukunka dilka iyo waridda ah ugu
xukumay, ayagoo Boqorkii cadawgiisa ahaa dilay, wuxuuna ku yiri:
"Taas weeye abaal marinta qofka dadka dalkiisa khayaana!"
Sidii ayaana la yeelay, oo inta marka hore madaxa laga gooyey ayaa kaddibna maydkooda laba
qori oo istillaaba lagu xiray oo la taagay, si loo arko oo loogu waano qaato.
Daaraa\‫ دارا‬oo wali nafi ku jirto ayaa waxaa dul yimid Al Iskandar\‫اإلسكندر‬, markaasuu intuu
madaxiisa soo qaaday oo uu bawdadiisa saaray ayuu wuxuu ku yiri:
"Dadka hoggaamiyohoodow, dilkaaga ma doonayn, raallina kama ihi, ee ma leedahay xaajo
aan kuu oofiyo?"
Wuxuu yiri:
"Haa. Gabadhayda Rushnak\‫ رشنك‬guurso, kii i dilayna dil."
Kaddibna wuu dhintay.
Waxaa la yiri inay labadaas Boqor walaalo ahaayeen, ayna wada dhashay haweeney madow oo
uu lahaa Daaraa\‫ دارا‬aabihiis oo isagana Daaraa\‫ دارا‬la oran jiray, oo ay markaas u dhashay
Daaraa bin Daaraa\‫دارا بن دارا‬. Kaddibna waxay Boqorka Griigga Filips\‫ فلبس‬u dhashay Al
Iskandar\‫اإلسكندر‬. Runtana Rabbi ayaa og.
Al Iskandar\‫ اإلسكندر‬wuxuu qabsaday ilaa dalka Masar\‫مصر‬, isagaana aasaasay magaalada Al
Iskandariyyah\‫ اإلسكندرية‬la yiraahdo oo isaga loogu magac daray.
Culummada qaarkood ayaa waxay yiraahdeen Al Iskandar\‫ اإلسكندر‬waa Thuu Al
Qarnayn\‫ذوالقرنين‬, ninka uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ku xusay
Suuratul Kahf\‫سورة الكهف‬, inta badanse waxay yiraahdeen isaga ma aha, oo Thuu Al Qarnayn
‫ ذوالقرنين‬wuxuu ahaa Boqor Muslin ah, Al Iskandarna\‫ اإلسكندر‬Islaannimo laguma sheegin.
Runtana Rabbi ayaa og.
115
Al Iskandar\‫ اإلسكندر‬markuu Boqortooyada Iiraan\‫ إيران‬jebiyay, si uu u wiiqo wuu kala
qaybqaybiyay, oo intuu gobollo ka dhigay ayuu gobol walba nin madax uga dhigay, qabaa'il
carbeedna intuu soo raray ayuu soo dhex dejiyay.
Sidaas ayaa waxaa ku dhashay Boqorradii la oran jiray Muluuku Al Dhawaa'if \‫ملوك الطوائف‬, oo
macneheedu yahay Boqoprrada Kooxaha ama Goobaha , looguna bixiyay ayadoo uu Boqor
walba cad dhul ah xukumay.
Sidaas ayayna ahaayeen ilaa ay Boqortooyada Iiraan \‫ أيران‬ka gashay gacanta Boqorrada reer
Banuu Saasaan bin Bihman\‫بنو ساسان بن بهمان‬, ahna Boqorrada Sassaaniyiinta.
Al Iskandar\‫ اإلسكندر‬wuxuu ku dhintay Baabil\‫بابل‬, ee arliga Ciraaq\‫عراق‬, isagoo saddex iyo
soddon sano jira, magaaladaasoo uu caasimaddiisa ka dhigtay, taasoo bartamaha
Boqortooyadiisa ku beegnayd.
Jebinta Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬ee Masruuq bin Abraha\‫مسروق بن أبرهة‬
Kisraa\‫ كسرى‬wuxuu ciidanka uu soo siiyay Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬madax uga soo
dhigay nin la yiraahdo Wahriz bin Isbihbith\‫( وهرز بن إصبهبذ‬oo kala ah saadka shiinka ku xigah
iyo thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah), oo kuwooda ugu da' wayn ka mid ahaa,
raggaasna ugu laan dheereysnaa, kana dhashay reerka ugu gobsan.
Waxaa ciidankaas lagu soo qaaday sideed markab, waxaana dekadda Cadan\‫ عدن‬soo gaartay lix
ka mid ah, ayadoo labadii kale ay dhexda kusoo kharaabeen.
Markaasaa markay dekadda Cadan\‫ عدن‬kasoo degeen ayuu Sayf\‫ سيف‬Wahriz\‫ وهرز‬iyo raggiisa
shirayay, wuxuuna ku yiri:
"Lugteydu lugtaaday ku xiran tahay ilaa aan dhammaan wada dhimanno ama aan
guuleysanno."
Wahriz\‫ وهرز‬wuxuu ugu jawaabay oo uu ku yiri:
"Xaqqa ayaad haleeshay".
Boqorka Yaman\‫يمن‬, oo ahaa Masruuq bin Abraha\‫مسروق بن أبرهة‬, markuu helay warka
ciidanka Sayf\‫ سيف‬oo Cadan\‫ عدن‬kasoo degay, wuu soo aaday isagoo ciidan xabasheed wata oo
ka kooban boqol kun oo nin, ayna ku jiraan Ximyar\‫ حمير‬iyo Kahlaan\‫ كهالن‬iyo qabaa'il kale oo
Yaman\‫ يمن‬deggan.
Al Mascuudii\‫ المسعودي‬wuxuu yiri:
"Wahriz\‫ وهرز‬markuu dekedda (Yamaneed) Mathwab\‫ مثوب‬ay yimaadeen oo ay maraakiibtii ka
degeen, ayuu wuxuu amray in maraakiibta la gubo, si uu raggu u ogaado inuu yahay dagaal
ilaa dhimasho ah iyo inayan meel loo cararo jirin."
Markaasuu Wahriz\‫ وهرز‬wuxuu u diray ciidan uu wato wiil uu isagu dhalay oo magaciisu
Nuuzaad bin Wahriz\‫ نزاد بن وهرز‬ahaa, si uu ula dagaallamo, xooggoodana uu u tijaabiyo.
Dagaalkaas ayaa Wahriz\‫ وهرز‬wiilkiisa lagu dilay, taasoo aabihiis xanaaq usii kordhisay.
116
Markay labadii ciidan iska horyimaadeen oo la is weeraray, ayuu Wahriz \‫وهرز‬, oo inuu
wiilkiisa u aargooyo doonaya, wuxuu yiri:
"Boqorkooda i tusa", waxayna ku yiraahdeen:
"Ma u jeeddaa nin maroodi saaran oo fadhiya oo taaj madaxiisaa saaranyahay, labada indhood
dhexdoodana uu yaaquut guduudan ka saaranyahay?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Waxay yiraahdeen:
"Kaas ayaa Boqorkooda ah", wuxuuna yiri:
"Daaya".
Muddo dheer ayay joogeen, kaddibna wuxuu Wahriz\‫ وهرز‬yiri:
"Muxuu hadda saaranyahay?"
Waxay yiraahdeen:
"Wuxuu ku wareegay oo uu saaran yahay faras."
Wuxuu yiri: "Daaya".
Markaasey hadana muddo dheer joogeen, ayadoo intaas dagaalku socdo, kaddibna wuxuu yiri:
"Muxuu hadda saaran yahay?"
Waxay yiraahdeen:
"Wuxuu ku wareegay oo uu saaran yahay baqal."
Wahriz\‫ وهرز‬wuxuu yiri:
"Waa dameerka gabadhiisa! oo isaguna wuu dulloobay, Boqortooyadiisana wuu dulleeyey.
Hadda waan ganayaa, marka haddaad aragtaan inayan asxaabtiisu dhaqaaqayn, meeshiinna ku
sugnaada ilaa aan idiinka idmo, maxaa yeelay ninka waan seegay. Haddadse aragtaan raggii oo
dugaagad oo kale ku hareersamay oo kusii aruuraya, ninka waan la helay ee adinkuna weerara
oo ku duula."
Markaasuu qaansadiisa taagay, oo adayggeeda waxaa la yiri nin aan isaga ahayn ma taagi
karin. Markaasaa labada indhood labadooda dhinac laba xijaab oo uu lahaa looga xiray kaddib
markuu sidaas in la yeelo amray. Markaasuu ganay, wuxuuna ku dhuftay yaaquutka labada
indhood dhexdooda saarnaa oo uu labo u kala jebiyay oo ay fallaarto maskaxda la gelisay, oo
intay madaxiisa gashay ay tunkiisa ka baxday, baqashiina uu ka dhacay.
Markaasey xabashadii kusoo aruureen oo ay kusoo hareersameen oo ay isgu yimaadeen, oo ay
boqorkooda fardo saareen oo ku qaadeen, ayaguna ay jabeen oo dhabarka jediyeen.
Markaasaa la laayey, ayaguna ay jiha walba u carareen. Masruuq \‫ مسروق‬inta madaxiisa la
gooyay ayaa kor loo qaaday iyo madaxda madaxdii xabashada, waxaana goobtaas lagu dilay
soddon kun oo xabasho ah.
Shuruudaha uu Kisraa Anuu Shirwaan\‫ كسرى أني شروان‬Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬la
galay waxaa ka mid ahaa inay ragga Iiraan\‫ إيران‬u dhashay ay Yaman\‫ يمن‬ka guursan karaan,
Yamaniyiintuse ayan gabdhaha Iiraan\‫ إيران‬guursan karin, iyo inuu sanad walba intaasoo maal
ah (kharaaj\‫ )خراج‬siiyo.
117
Markii Masruuq\‫ مسروق‬la dilay, wuxuu Wahriz\‫ وهرز‬Sayf bin Thii Yazin‫ سيف بن ذي يزن‬u
caleemo saaray Boqorka Yaman\‫يمن‬, wuxuuna madaxa u saaray Taaj u sitay iyo dirac qalin ka
sameysan oo uu u labbisay.
Wahriz\‫ وهرز‬wuxuu warqad u dhigay Kisraa\‫ كسرى‬uu ugu sheegayo inay guuleysteen.
Markaasuu Wahrix\‫ وهرز‬usoo kacay innu Sanca\‫ صنعاء‬galo. Markuu albaabka Sanca\‫صنعاء‬
yimid, ayuu wuxuu yiri:
"Calankeygu weligiis geli mayo isagoo foorara, ee albaabka dumiya."
Markaasuu Sanca\‫ صنعاء‬galay ayadoo uu calankiisu taagan yahay. Sidaas ayuu Wahriz \‫وهرز‬
Sanca\‫ صنعاء‬ku galay, isaga iyo intii ka hartay ciidankii Iiraan\‫إيران‬.
Ragga maalintaas Sanca\‫ صنعاء‬galay oo Iiraaniyiinta ahaa ayaa dhalay dadka Iiraaniyiinta ah
oo dalka Yaman\‫ يمن‬deggan.
Wahriz\‫وهرز‬, intaas kaddib, Iiran ayuu ku noqday.
Xabashadu waxay Yaman\‫ يمن‬gumaysaneysey labo iyo toddobaatan sano, oo ay afar Boqor oo
ayaga ah xukunka kala dhaxleen, afartaasoo kala ah Aryaadh \‫ أرياط‬iyo Abraha\‫ أبرهة‬iyo
Yaksuum bin Abraha\‫ يكسوم بن أبرهة‬iyo Masruuq bin Abraha\‫مسروق بن أبرهة‬.
Sanadkaas ay Yamani\‫ يمن‬ka xorowday isticmaarka xabashada wuxuu ahaa sanadka shan
boqol iyo shan iyo toddobaatanka miilaadiga ah, sanadkaasoo uu Wahriz \‫ وهرز‬Boqorka Sayf
bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬caleeno saaray.
Afar sano kaddibna waa ayada Sayf\‫ سيف‬la dilay, markaasoo ay bilaabatay inay Yaman\‫يمن‬
xukumaan rag uu Kisraa\‫ كسرى‬soo magacaabo, oo ay sidaas Yamani\‫ يمن‬mustacmarad
Iiraan\‫ إيران‬u noqotay.
Waxay Yamani\‫ يمن‬mustacmarad Iiraan\‫ إيران‬ahayd sagaal iyo konton sano oo sanooyinka
miilaadiga ah oo qorraxda lagu tirsado, ayadoo uu sanadkasi markuu ahaa lix boqol iyo sideed
iyo soddon uu Xaakinkii Iiraaniga\‫ إيراني‬ahaa ee Yamani\‫ يمن‬uu Islaamay, oo ay ay Yamani\‫يمن‬
sidaas ugu darsantahay dawladda islaamka oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hoggaamiyaha u ahaa.
Gumaysiga Iiraan\‫ أيران‬ee Yaman\‫يمن‬
Afar sano kaddib caleemo saarkiisa, waxaa Sayf bin Thii Yazin‫ سيف بن ذي يزن‬dilay askar
amxaaro ah oo isaga ilaaladiisa ka mid ahaa, oo wareentay oo warammo gelisay.
Markuu warkaasi Kisraa\‫ كسرى‬gaaray ayuu mar kale Wahriz\‫ وهرز‬soo diray, uuna soo siiyay
ciidan barriga soo mara oo afar kun oo nin ka kooban, uuna kusoo amray inuu dilo qof kasta oo
madow oo amxaaro ah oo Yaman\‫ يمن‬jooga iyo qof kasta oo timo adag oo amxaaro nasab la
wadaaga, sida cunuggay haweeney Carab ahi nin amxaaro ah u dhashay, ha yaraado ama ha
weynaadee.
118
Kisraa Anuu Shirwaan\‫ كسرى أنوشروان‬wuxuu Wahriz\‫ وهرز‬u caleemo saaray Boqorka
Yaman\‫يمن‬. Wahriz\‫ وهرز‬markuu Yaman\‫ يمن‬yimid amarkii Kisraa\‫ كسرى‬ayuu fuliyay oo
amxaaro iyo ciddii nasab la wadaagtaba wuu dilay.
Gumaysiga Iiraan\‫ إيران‬ee amxaarada
Kaddib ciidammada Iiraan\‫ إيران‬intay Badda Cas ka tillaabeen ayayba waxay galeen arliga
amxaarada oo ay burburiyeen, kaniisadohoodana gubeen oo ay dab qabadsiiyeen, oo sidaan
Siirada ku arki doonno, Inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, qalabka Kacbada ay Qurayshi\‫ قريش‬ku
dhisi doonto wuxuu saarnaa markab uu Boqorka Roomaanku u soo diray in kaniisadahaas dib
loogu dhiso, intuusan arligaas gaarinbase ayuu markabkii wuxuu kusoo caariyay Jiddah \‫جدة‬
agteeda, halkaasoo ay Qurayshi\‫ قريش‬qalabkaas kasoo gadatay.
Markaasna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu jiraa shan iyo soddon
sano. Runtana Rabbi ayaa og.
Sidaas ayay amxaaradu waxay zaman ku ahayd mustacmarad iiraan \‫ إيران‬oo ay gumaysigeeda
ku hoos jirtay. Kaddibna iiraan‫ إيران‬way isaga baxaday.
Markuu Wahriz\‫ وهرز‬dhintay, Kisraa\‫ كسرى‬wuxuu Yaman\‫ يمن‬madax uga dhigay wiilkiisa ahaa
Al Marzubaanu bin Wahriz\‫المرزبان بن وهرز‬, isagu markuu dhintayna wiilkiisa Al Taynujaanu
bin Al Marzubaani\‫التينجان بن المرزبان‬. Markuu Al Taynujaanu‫ التينجان‬dhintay, wuxuu Kisraa
Yaman\‫ يمن‬madax uga dhigay Al Taynujaanu‫ التينجان‬wiilkiisa.
Kaddibna wuu cazilay, wuxuuna madax ka dhigay nin la yiraahdo Baathaan \‫( باذان‬waa thaalka
dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga), kaasoo xilkaas hayey ilaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, laga soo diray.
Amarka Kisraa\‫ كسرى‬in Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la dilo
Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan\‫ كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروان‬wuxuu
wakiilkiisa Yaman\‫ يمن‬xukumay oo magaciisu Baathaan\‫ باذان‬ahaa (waa thaalka dhibic kor ku
leh oo deelka ku xigah) usoo dhigay warqad uu ke leeyahay:
"Waxaa isoo gaartay inuu nin Quraysh\‫ قريش‬u dhashay uu Makkah\‫ مكة‬kasoo baxay,
sheeganayana inuu Nabi yahay. Marka ciidan u kexeyso, markaad u tagtidna waxaad ku
amartaa inuu warkaas ka tawbad keeno. Hadduu tawbad keeno iska daa, hadduu diidase
madaxiisa soo goo oo ii soo dir."
Markaasuu Baathaan\‫ باذان‬warqaddii Kisraa\‫ كسرى‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u diray.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu usoo dhigay
warqaddaan:
".‫"إن هللا قد وعدني أن يقتل كسرى في يوم كذا من شهر كذا‬
"Inna Allaaha qad wacadanii an yuqtala Kisraa fii yawmi kithaa min shahri kithaa",
119
oo macneheedu yahay
"Ilaahay wuxuu iga ballan qaaday in Kisraa\‫ كسرى‬la dili doono maalin hebla ee bisha hebla".
Markii warqaddaas Baathaan\‫ باذان‬loo keenay wuu akhristay, kaddibna wuxuu yiri:
"Hadduu Nabi yahay siduu yiri ayay ahaaneysaa".
Kisraa waxaa la dilay maalintuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
magacaabay, waxaana dilay wiilkiisa Shiirawayh\‫شيرويه‬, taasoo ahayd sanadka toddobaad ee
Hijrada.
Markuu khabarkaasi Baathaan\‫ باذان‬soo gaaray, ayuu islaamay, uuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ergo u diray u sheegta inay isaga iyo Iiraaniyiinta Yaman \‫ يمن‬la
joogtaba ay islaameen.
Markay ergadaasi, oo rag Iiraaniyiin\‫ إيران‬ah ka koobnayd, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u yimaadeen, ay dhambaalkiina u gudbiyeen, ayay waxay ku yiraahdeen:
"Rasuulka Ilaahayo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, annagu yaan ka tirsannahay?",
wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku yiri:
".‫"أنتم منا وإلينا أهل البيت‬
"Antum minnaa wa ilaynaa Ahla Al Bayti",
oo macneheedu yahay
"Adinkuna annagaad nagamid tihiin, Eheelu Baytka\‫ أهل البيت‬ayaadna usoo noqotaan oo aad
ka tirsan tihiin."
Baathaan\‫ باذان‬wuxuu islaamay sanadka tobanaad ee Hijrada. Isla sanadkaas ayuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo ciddiray ubadka Iiraaniyiinta ah oo ay raggii
Wahriz\‫ وهرز‬la socday oo Yaman\‫ يمن‬degey, inay islaamaan, kuwaasoo sidaan usoo sheegnay
yeelay oo islaamay. Dhashaas waxaa ka mid ahaa Wahbu bin Munabbih bin Sayj bin Thukbaar
‫( وهب بن منبه بن سيج بن ذكبار‬waa tha dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga) iyo Dhaawuus\‫طاووس‬
iyo Thawaawayh\‫( ذواويه‬oo ah thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga) iyo Fayruuz\‫فيروز‬.
Zamanka Haashim\‫هاشم‬
Haashim‫ هاشم‬zamanka uu noolaa waxaa gobolka Bariga Dhexe ka dhacay is beddello
waaweyn ee diinta ku saabsan iyo kuwo siyaasadeed oo gobolka oo idil saameeyey. Waxaa
waagaas adduunka ku loollamay laba quwadood oo xoog leh, oo kala ahaa Boqortooyada
Roomaanka oo Krishtaan ahayd iyo Boqortooyada Iiraan oo Majuus ahayd oo dabka caabudi
jirtay.
Waxay labadaas quwadood ku tartamayeen adduunka intiisa kale, ayadoo uu mid walba
doonayo:
Kow. Inay midda kale intay jebiso oo ka adkaato ay arligeeda qabsato, iyo khayraadka
dalkeeda, ayna ku khasabto inay Diinteeda qaadato.
120
Labo. Inay dalalka kale oo awoodoodu gaarto gumaystaan, oo ay ayagana Diintooda ku
khasbaan, Jizyana ka qaataan, ayna dhiig miirtaan.
Saddex. Inay hanato oo ay gacanta ku dhigto mareennada ganacsiga, kuwa barriga ku yaalla
iyo kuwa badaha ku yaalba, sida Badda Cas, Badda Cad, Badweynta Hindiya, Cadan\‫ عدن‬iyo
Jaziiradda Carabta, halkaasoo ay soo mari jireen maalka iyo badeecadaha laga keeno Hindiya,
Shiinaha, Aasiya iyo Bariga Fog, Soomaaliya iyo Afrika inteeda kale.
Quwaddii marriinadaas qabsata, waxay ka hor istaagi jirtay oo inay maraan u diidi jirtay
quwadaha ayaga cadawgooda ah, oo ay sidaas cuna qabateyn dhaqaale ku soo rogi jirtay.
Soomaaliya waxay waagaasna ahayd dal muhim ah, oo waxaa quwadahaas oo idil, sida
Makkata Al Mukarramati\‫مكة المكرمة‬, Boqortooyada Roomaanka, Boqortooyada Griigga,
Boqortooyada Iiraan, Boqortooyada Masar\‫ مصر‬luubaanta iyo fooxa ay macbadyadooda ku
shitaan ayadey ka keeni jireen, oo sidaas xagga Diimahooda ayay Soomaaliya qiimo wayn u
lahayd.
Luubaanta iyo fooxa waxay macbadyada ugu shidan jireen, ayadoo la yiri inuu qiiqoodu yahay
midka keli ah oo samada gaara. Daawo ahaanna waa loo isticmaali jiray. Waxay kaloo
Soomaaliya ka keensan jireen beeyada iyo malmalka iyo hadiga iyo xabagta iyo hargaha, iyo
fool maroodiga iyo geeska wiyisha oo daabka mindiyaha ilaa maanta Yaman\‫ يمن‬laga sameeyo,
iyo alwaaxda iyo udubbada khaymadaha udub dhexaadka looga dhigo. Waagaas iyo ilaa
dhowaan Soomaaliya waxay ahayd dal geedo iyo dhir badan oo hawd iyo ca'y ah, ilaa
Waqooyi.
Tusaale ahaan maroodigii ugu dambeeyey ee beesha Gaalkacyood wuxuu Gaalkacyo agteeda
ku dhintay in konto sano ka yar ka hor, oo nin maydkiisa dul tegey ayaaba ii sheegay, kaasoo
yiri waxay ahayd qiyaas kun sagaal boqol shan iyo lixdanka ama lix iyo lixdanka. Ninkaasna
wuxuu ahaa walaalkay Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi ina “Aadan Dherre” Allaha u
wada naxariistee. Runtana Rabbi ayaa og.
Inay sidaas tahayna waxayba ku qoran tahay kutubbada inay Waqooyiga Soomaaliya ahayd
hawd, ay ka buuxaan ugaar ay ka mid yihiin maroodiga, iyo goroyada, iyo wiyisha iyo geriga
iyo shabeel iyo haramcad iyo ugaarta la yaqaanba oo idil. Waaba ayaduu Sayyid Maxammad
Cabdulle Xasan uu gabay Jiinleyda, oo uu ku xusayo safarkiisii uu kasoo baxay Wardheer iyo
Walwaal, oo aan Gaalkacyo sidaasba uga fogayn, uuna u socda Eyl iyo xagga Bari sanadka
kun sagaal boqol iyo saddex iyo afar, ku yiri:
Jafka hawdka guuraha waxaan, jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calaflow libaax, igu jibaadaayey
Raadkaan ku jiilaa wuxuu, daba jadeemaayey
Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey
Jaajuuska geesaha wuxuu, jirayey ruxaayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey
Wiyil joof leh iyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey
Jinniqabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo iri dugaag, jalabutaynaaya
121
Dhirtaas iyo ugaarta ku noolaydba waxaa gooyey oo laayay oo lama degaan ka dhigay
mashaariicda ay dawladaha krishtaanka ah ee galbeed u sameeyeen , ayna maal geliyeen
bangiga adduunka (oo hawshiisa loo abuurayba ay tahay inyy dhaqaalaha dalalka aan
galbeedka ahayn burburiyo, curyaamiyo oo sabool ka dhigo) iyo dawladaha galbeed oo u
sameeyey mashaariic magac fiicfiican leh sida "mashruuca hormrinta daaqa" oo gobollo dhan
oo Soomaaliya ka tirsan ku geed qaadeen oo geedihii ka gooyeen abaartii Dhaba Dheer
dabadeed (1973-1974) ayagoo ku andacoonaya in markuu roob da'o uu meelahaas la geed
qaaday caws xoolaha uga soo bixi doono! aniguna aan ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, oo ay Dawladda Soomaaliyana diidday laakiin lagu khasbay oo
sanka laga geliyay, meel marintoodana lagu xiray maalgelinta mashaariic kale, oo ay
Dawladdu doonaysa!
Quwadda Krishtaanka ah ee Rooma waxay axdi iyo xilfi la lahayd walaalkood xagga Diinta ee
boqorka krishtaanka ahaa ee arliga amxaarada ee Caasimaddiisu Aksuum ahayd. Qorshaha
Boqorka Rooma wuxuu ahaa inuu Iiraan weeraro oo uu xagga Galbeed uga yimaado,
walaalkiis Al Najaashiyyina, boqorka amxaarada, uu xagga Koofur iyo Bari uga yimaado,
isagoo ay ciidammadiisu kasoo dhaqaaqayaan arliga amxaarada iyo Yaman\‫يمن‬, oo ay sidaas
Kisraa\‫ كسرى‬ugu khasbaan inuu dhawr aag oo dagaal uu furo, oo uu sidaas itaalkiisu ku
wiiqmo oo looga adkaado.
Ciidankaas amxaarada waxaa waajibaadkiisa ka mid ahaa inay Gobokka Xijaaz \‫ الحجاز‬gacanta
ku dhigaan, Kacbada ay dumiyaan, halkaasna ay krishto suraan, oo ay sidaas Carab krishtaan
uga dhigaan, ayna Carab gacanta ugu dhigaan, ayadoo uu qofka Makkah \‫ مكة‬xukuma uu Carab
oo idil u taliyo.
Markaas kaddibna ay labada ciidan oo Krishtaanka ahi ay wadajir Iiraan u weeraraan, oo intay
jebiyaan ay halkaasna krishto suraan, khayraadkeedana qaataan. Qorshahaas ayay dawladaha
Krishtaanka ahi degsadeen. Tii Alle ayayse noqotay, oo waa ayadooba uu Ilaahay, Subxaanahu
wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Aayadda afar iyo kontonaad ee Suuratu Aali Cimraan ‫سورة أل‬
\‫ عمران‬ku yiri:
ِ
َّ َّ
)84( ‫ين‬
َ ‫َو َم َك ُروا َو َم َك َر اللهُ َواللهُ َخ ْي ُر اْل َماك ِر‬
"Wa makaruu wa makara Allaahu wa Allaahu Khayru al Maakiriina(54)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Dhagar ayay qorsheeyeen, Ilaahayna dhagartoodaas wuu ka abaal mariyay, Ilaahay ayaana u
wanaagsan wax abaal mariya(54)."
Wuxuu kaloo, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji
\‫ سورة الحج‬ku yiri:
ِ ‫ف ِف‬
ِ ‫اس سواء اْلع‬
ِ
َِّ ِ
ِ
ِ َّ ِ
َِّ
‫يه َواْل َب ِاد َو َم ْن‬
ُ ‫اك‬
َ ‫ص ُّد‬
َ ‫إِ َّن الذ‬
َ ً َ َ ِ ‫ون َع ْن َسبِيل الله َواْل َم ْس ِجد اْل َح َرام الذي َج َعْل َناهُ ل َّلن‬
ُ ‫ين َكفَُروا َوَي‬
ِ ‫ي ِرْد ِف‬
ٍ ‫يه بِِإْل َح ٍاد بِظُْلٍم ُنِذ ْقهُ ِم ْن َع َذ‬
)52( ‫اب أَلِ ٍيم‬
ُ
122
"Inna allathiina kafaruu wa yasudduuna can sabiili Allaahi wa Al Masjidi Al Xaraami
allathii jacalnaahu li al nnaasi sawaa'an al caakifu fiihi wa al baadi wa man yurid fiihi bi
ilxaadi bi thulmin nuthiqhu min cathaabin aliimin."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Kuwa gaaloobay oo (dadka) ka celiya Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xurmaysan‫ المسجد الحرام‬oo
dhexdiisa laga yeelay mid ay dadku siman yihiin, midka (Makkah\‫ )مكة‬deggan iyo midka meel
kale socdaal uga yimidba, cidda dhexdiisana xumaan la doonta iyo leexin gardarro ah, waxaan
dhedhensiinaynaa cathaab daran."
Xukunka Aayaddaasna ilaa yawmul qiyaamaha waa taagan yahay. Kuwii maroodiga watay oo
doonayey inay Guriga Ilaahay dumiyaanna, waa tuuba Ilaahay wuxuu ku falay noogu sheegay
Suuratu Al Fiil, oo oo Cazza wa Jalla\‫ هللا عزوجل‬ku yiri:
ٍ ِ‫ضل‬
ِ ‫اب اْل ِف‬
ِ ‫َص َح‬
‫) َوأ َْر َس َل‬5( ‫يل‬
َ ‫ف فَ َع َل َرب‬
َ ‫ أَلَ ْم تََر َك ْي‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ْ َ‫) أَلَ ْم َي ْج َع ْل َك ْي َد ُه ْم ِفي ت‬1( ‫يل‬
ْ ‫ُّك بِأ‬
ٍ ‫) فَجعلَهم َكع‬4( ‫ِّيل‬
ٍ ‫ف م ْأ ُك‬
ٍ ‫) تَرِمي ِهم بِ ِح َجارٍة ِم ْن ِسج‬3( ‫يل‬
)2( ‫ول‬
َ ‫َعلَ ْي ِه ْم‬
َ ِ‫ط ْي ًار أ ََباب‬
ْ َ ُْ َ َ
َ
ْ ْ
َ ‫ص‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alam tara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi al
fiili(1)Alam yajcal kaydahum fii tadliilin(2)Wa arsala calayhim dhayran
abaabiila(3)Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin(4)Fa jacalahum ka casfin ma'kuuli(5)".
Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Ma ogtahay
siduu Rabbigaa ku falay ciidankii maroodiga watay(1)Miyuusan qorshohoodii dhagarta ahaa
ka yeelin mid luntay(2) Uusanna korkooda ku soo dirin shimbiro kooxa ah(3)Kuna soo
tuureysa dhagax dhoobo ah oo Jahannama lagu soo kululeeyay(4)Markaasey le'deen oo ay
daateen uuna ka yeelay sida bal la daaqay oo kale(5)"
Sidaas ayay dawladaha gobolkaas oo idili marna waxay u haayeen mustacmarad Boqortooyada
Roomaanka, marna mustacmarad Boqortooyada Iiraan. Dalalka sidaas loo gumaystayna waxaa
ka mid ahaa dalalka Carabta oo idil, intaan gobolka Xijaaz\‫ الحجاز‬ahayn, kaasoo ay ku yaallaan
Makkata Al Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinata Al Munawwarati\‫المدينة المنورة‬, oo aan
weligood gacan gumaysi gelin.
Haashim\‫ هاشم‬iyo Xilfiga Al Mudhayyabiina "kuwa udgoon"
Haashim\‫ هاشم‬awoowihiis Qusayy bin Kilaab\‫ قصي بن كالب‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬iyo Cabda Al Ddaari\‫ عبد الدار‬iyo Cabdul Cuzzaa\‫ عبد العزى‬iyo
Cabdi\‫عبد‬.
Qusayy\‫ قصي‬intuu noolaa ayuu wiilkiisa Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬wuxuu hantay sharaf iyo
madaxtinnimo oo idil. Sidoo kale waxaa sharaf iyo magac ayaguna helay Cabdul Cuzzaa ‫عبد‬
\‫ العزى‬iyo Cabdi\‫عبد‬.
Sharaftaas iyo magacaas iyo madaxtinnimadaas oo wuu seegay oo wax kama uusan helin
wiilkii curadkiisa ahaa oo Cabda Al Ddaari\‫ عبد الدار‬ahaa.
123
Markaasuu Qusayy\‫ قصي‬intuusan dhiman wuxuu Cabda Al Ddaari\‫ عبد الدار‬ku yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬wiilkaygow, ragga waan kaa daba geynayaa in kastoo ay kaa sharaf iyo
madaxtinnimo bateen, oo nin ayaga ka mid ihi Kacbada geli mayo jeer aad adigu u furtid,
Qurayshna\‫ قريش‬calan dagaal gunti ma doonto inuu adiga gacantaada ku jiro mooyee, qofna
Makkah\‫ مكة‬biyo ka waraabi mayo meel aan Siqaayadaada\‫ السقاية‬ahayn. Muusinka Xajkana,
axadna cunno cuni mayo aan cunnadaada ahayn. Qurayshna\‫ قريش‬talo ku goyn mayso
umuurteeda ka mid ah meel aan Daartaada ahayn."
Markaasuu wuxuu siiyay daartiisii ahayd Daaru Al Nadwah\‫دار الندوة‬, oo xarunta iyo saldhigga
Dawladda Quraysh\‫ قريش‬ahayd, halkaasoo ay umuurteeda oo idil ku goosan jirtay, wuxuuna
siiyay Al Xijaabata\‫( الحجابة‬oo ah adeegga Kacbada iyo Fureheeda), Al Lliwaa'a\‫( اللواء‬oo ah
calanka ay Qurasyhi\‫ قريش‬hoostiisa isugu timaaddo markay dagaal geleyso), Al
Ssiqaayata\‫( السقاية‬oo ah waraabinta Xujeyda) iyo Al Rrifaadata\‫( الرفادة‬oo ah cunno siinta
Xujeyda).
Kaddibna Qusayy\‫ قصي‬wuu dhintay, dabadiisana waxaa talada Quraysh\‫ قريش‬iyo dadka kaleba
oo Makkah\‫ مكة‬degah gacanta ku dhigay wiilashiisa, kuwaasoo dhulka Makkah\‫مكة‬
goobogoobo u qaybiyay, kaddib markuu Qusayy\‫ قصي‬hore gacantiisa qawmkiisa ugu
qaybiyay, una cabbiray oo ayaguna u gooyey qawmkooda iyo ghayrkoodba kuwa xulafadooda
ah oo axdiga la leh, oo ay markaas dhulkaas ay googooyeen gadeen.
Arrinkaas ay ku keceenna Qurayshi\‫ قريش‬way ku waafaqday, ayadoo uusan wax khilaaf ah iyo
wax wax kala jiidasha ah ayan imaan. Intaas kaddib ayay wiilashii Cabdi Manaaf bin Qusayy
\‫ عبد مناف بن قصي‬uu dhalay oo ahaa Haashim\‫ هاشم‬iyo Cabdu Shams\‫ عبد شمس‬iyo Al Mudhdhalib\‫ المطلب‬iyo Nawfal\‫ نوفل‬waxay goosteen oo ay ku heshiiyeen inay ilmo Cabda Al Ddaari
\‫(عبد الدار‬oo ah ilmo adeerradood laxmi ah) ka qaataan oo ay gacantooda kala baxaan wuxuu
hore Qusayy\‫ قصي‬i siiyay Cabda Al Ddaari\‫عبد الدار‬, oo ahaa Al Xijaabatu\‫ الحجابة‬iyo Al
Liwaa'u\‫ اللواء‬iyo Al Siqaayatu\‫ السقاية‬iyo Al Rifaadatu\‫الرفادة‬, ayagoo u arkay inay uga xaq
leeyihiin, marka sharaftooda iyo madaxtinnimadooda iyo deeqda ay dadkooda ku leeyihiin la
tix geliyo.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬kala qaybsantay, oo ay kooxi ilmo Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬ku
raacday aragtidooda ahayd inay ayagu xilkaas ilmo Cabda Al Ddaari \‫ عبد الدار‬uga xaq
leeyihhin, marka la tixgeliyo makaanka ay qawmkooda dhexdiisa ku leeyihiin.
Koox kalena waxay la safatay reer Cabda Al Ddaari\‫عبد الدار‬, taasoo u aragtay inaan laga
qaadan oo aan gacantooda laga bixin wixii uu Qusayy\‫ قصي‬siiyay.
Reer Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬waxaa taladooda hayey Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf ‫عبد شمس‬
\‫بن عبد مناف‬, oo ilmo Cabdi Manaaf ugu da' waynaa. Talada ilmo Cabda Al Ddaari-na\‫عبد الدار‬
waxaa hayey Caamir bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabda Al Ddaari ‫عامر بن هاشم بن عبد‬
\‫مناف بن عبد الدار‬.
Qabaa'ilkii kale ee Quraysh\‫ قريش‬waxaa reer Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬la dhan noqday:
124
Banuu Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\‫ بني أسد بن عبد العزى بن قصي‬iyo Banuu Zuhrata bin
Kilaabi\‫ بنوزهرة بن طالب‬iyo Banuu Taym bin Murrata bin Kacb\‫ بنوتيم بن مرة بن كعب‬iyo Banuu Al
Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\‫( بنو الحارث بن فهر بن مالك بن النضر‬waa daad dhibic kor
ku leh oo saadka ku xiga).
Reer Banii Cabda Al Ddaari-na\‫ بني عبد الدار‬waxaa la saf noqday:
Banuu Makhzuum bin Yaqthata (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigta) bin Murrata
\‫ بنومخزوم بن يقظة لن مرة‬iyo Banuu Sahm bin Camr bin Husaysi (oo labaduba waa saadka
shiinka ku xigah) bin Kacb\‫ بنوسهم بن عمرو ين هصيص بن كعب‬iyo Banuu Jumax bin Camr bin
Husaysi bin Kacbi\‫ بنوجمح بن عمرو بن هصيص بن كعب‬iyo Banuu Cadiyyi bin Kacbi\‫بنو عدي بن كعب‬.
Labada Qabiil ee kala ah Banuu Caamir bin Lu'ayy\‫ بنو عامر بن لؤي‬iyo Muxaarib bin Fihri ‫محارب‬
\‫ بن فهر‬labada qolo midna lama ayan safan oo way ka dhex bexeen.
Markaasey qabaa'ilka koox walba ku jirtay ay axdi adag dhigteen inayan is dhiibin, oo uusan
qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin intay baddu xeebteeda qoyso (waa intay noolyihiin
ayay ka wadaan).
Markaasey reer Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬waxay keeneen xeero uu cadar ka buuxo, ayna keentay
Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب‬,
mataanta Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, waxayna
xeeradaas ama baaquligaas cadarku ka buuxo kuway axdiga lahaayeen u dhigeen Masjidka
dhexdiisa iyo Kacbada agteeda. Markaasey raggu gacnohooda xeeradaas dhex geliyeen, oo ay
markaas ilmo Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬axdi la dhigteen xulufadooda iyo cahdi. Kaddibna
gacnohooday Kacbada mariyeen, adkayn ay heshiiskaan adkeynayaan. Markaasaa waxaa loo
bixiyay, waa ilmo Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬iyo xulufadoodiiye, Al Mudhayyabiina\‫المطيبين‬, oo
ah kuwa udgoon. Waxaa kaloo la oran jiray Al Daafata\‫الدافة‬. Sidaas ayaa xilfigaas loogu
bixiyay "Kuwa udgoon\‫"المطيبين‬.
Reer Banii Cabda Al Ddaari\‫ بني عبد الدار‬iyo xulafadooduna waxay axdi iyo ballan adag ku kala
dhigteen Kacbada agteeda, kuna ay heshiiyeen inayan is dhiibin, uusan qabiilna midka kale
garabkiisa ka bixin. Markaasaa waxaa loo bixiyay kooxdaan "Al Axlaafu\‫"األحالف‬, oo ah
"Gaashaanbuurta".
Markaasey kuwaani waxay keeneen xeero dhiig ka buuxo oo ay gacnohooda wada geliyeen,
kaddibna ay Kacbada gacnohooda mariyeen. Markaasaa waxaa loo bixiyay, oo kale, "Laciqatu
Al ddami\‫"اعقة الدم‬, oo ah "Kuwa dhiigga leefay".
Markaasaa qabaa'ilka ay labada kooxood ka koobnaayeen la isku beegay, oo qabiil kasta oo
xilfi ka tirsan mid xilfiga kale ka tirsan inuu ke beegmo oo uu celiyo oo uu la dagaallamo lagu
aadiyay, dagaalna la isu diyaariyay. Qabaa'ilka sida la isugu beegayna waxay ahayd sidatan:
Banuu Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬waxaa lagu beegay Banuu Sahm\‫بنوسهم‬, Banuu Asad\‫بنوأسد‬
waxaa lagu beegay Banuu Cabda Al Ddaari\‫بنوعبد الدار‬, Banuu Zuhrata\‫ بنوزهرة‬waxaa lagu
beegay Banuu Jumax\‫بنوجمح‬, Banuu Taym\‫ بنوتيم‬waxaa lagu beegay Banuu Makhzuum
125
\‫بنومخزوم‬, Banuu Al Xaarith bin Fihr\‫ بنوالحارث بن فهر‬waxaa lagu beegay Banuu Cadiyyi bin
Kacbi\‫بنوعدي بن كعب‬.
Markaasey waxay yiraahdeen: qabiil walba qabiilka la aadiyay ha celiyo. Markay xaaladdu
sidaas tahay, oo xarbi la goostay oo la isku diyaariyay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay sulxi \‫صلح‬
iyo heshiis, laguna heshiiyay in reer Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬la siiyo Al Siqaayata\‫ السقاية‬iyo Al
Rifaadata\‫الرفادة‬, reer Cabda Al Ddaarna\‫ عبد الدار‬la siiyo Al Xijaabatu\‫الحجابة‬, Al Liwaa'u\‫اللواء‬
iyo Daaru Al Nadwati\‫دار الندوة‬, siday hore ugu lahaayeen.
Sidaas ayay labada kooxoodba oggolaadeen, raallina ku noqdeen, xarbigiina looga noqday oo
nabad la helay. Labadaas xilfi sidaas ayay u jireen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Islaamka
ka keeno, markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"ما كان من حلف في الجاهلية فإن اإلسالم لم يزده إال شدة‬
"Maa kaana min xilfin fii al jaahiliyyati fa inna Al Islaama lam yazidhu illaa shiddatan."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wixii xilfi jaahiliyada jiray islaamku waxaan xoojin ahayn uma uusan kordhin."
Markaasey, sida la yiri, wiilashii Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬qaybtey heshiiskaas ku heleen u qori
tuurteen, waxaana helay Haashim bin Cabdi Manaaf\‫هاشم بن عبد مناف‬, oo yeeshay Al
Siqaayata\‫ السقاية‬iyo Al Rifaadata\‫الرفادة‬. Isaga dabadiisna waxaa xilalkaas qabtay walaalkiis Al
Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\‫المطلب بن عبد مناف‬. Markuu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬dhintayna
waxay xilalkaasi u wareegeen wiilkuu awoowaha u yahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowihiisa aabihiis Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬dhalay, Cabdu Al Mudh-dhalib
bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬.
Haashim\‫ هاشم‬walaalihiis
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬wuxuu dhalay, Haashim\‫ هاشم‬ka sokow, afar nin iyo gabdhada soo
socda:
1. Cabdu Shams bin Candi Manaaf\‫عبد شمس بن عبد مناف‬, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo
ganacsi iyo nabadgelyo la galay Al Najaashiyyi \‫النجاشي‬, boqorka xabashada, faraciisana ay ka
mid yihiin reer Banii Umayyah\‫بني أمية‬, uuna ka dhashay Amiiru Al Mu'miniin Cuthmaan bin
Caffaan Thuu Al Nuurayn\‫أمير المؤمنين عثمان بن عفان ذا النورين‬.
2. Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\‫المطلب بن عبد مناف‬, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo
ganacsi iyo nabadgelyo la galay Boqorrada Ximyar\‫ حمير‬ee Yaman\‫يمن‬, ayna ka farcameen Al
Mudhalibiyyuuna\‫المطلبيون‬, uuna ka mid yahay Al Imaam Abii Cabdi Allaahi Muxammad bin
Idriis Al Shaaficii\‫اإلمام أبي عبد هللا محمد بن إدريس الشافعي‬, Imaamka Math-habka\‫صاحب المذهب‬.
3. Nawfal bin Cabdi Manaaf\‫نوفل بن عبد مناف‬, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo ganacsi iyo
nabadgelyo la galay Kisraa Boqorka Iiraan\‫إيران‬, ayna ka farcameen Al
Nawfaliyyuuna\‫النوفليون‬.
126
Haashimna, sidaan usoo sheegnay, wuxuu heshiisyo saaxiibtinnimo ganacsi iyo nabadgelyo la
galay Boqorrada Roomaanka iyo Kuwa Shaam‫ الشام‬ee Ghassaaniyiinta\‫الغساسنة‬. Markaasaa
afartoodaas walaalood waxaa loo bixiyay Al Mujabbiriina\‫المجبرين‬.
4. Cubaydun bin Cabdi Manaaf\‫عبيد بن عبد مناف‬, koofaartiisuna tahay Abuu Camr\‫أبوعمرو‬,
waana cirib go'ay.
Haashim\‫ هاشم‬iyo Cabdu Shams\‫ عبد شمس‬iyo Al Mudhalib\‫ المطلب‬waa isku hooyo,
hooyadoodna waxay ahayd Caatikatu bintu Murrata bin Hilaal bin Faalij bin Thakwaan bin
Thaclabata bin Buhthata (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Sulaym bin Mansuur (waa
saad) bin Cikrimata\‫عاتكة بنت مرة بن هالل بن فالج بن ذكوان بن ثعلبة بن بهثة بن سليم بن منصور بن عكرمة‬.
Nawfal\‫ نوفل‬hooyadiisna waa Waaqidatu bintu Cumar Al Maaziniyyah bin Mnasuur bin
Cikrimata\‫واقدة بنت عمر المازنية بن منصور بن عكرمة‬.
Waxaa la yiri inay Haashim iyo Cabdu Shams ay mataano ahaayeen.
5. Tumaadar (waa daad dhibickor ku leh oo saadka ku xiga) bintu Cabdi Manaaf ‫تماضر بنت عبد‬
\‫مناف‬.
6. Qilaabatu bintu Cabdi Manaaf\‫قالبة بنت عبد مناف‬.
7. Xayyatu bintu Cabdi Manaaf\‫حية بنت عبد مناف‬.
8. Raydhatu bintu Cabdi Manaaf\‫ريطة بنت عبد مناف‬.
9. Ummu Al Akhtham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Haalatu bintu Cabdi Manaaf ‫أم‬
\‫األخثم هالة بنت عبد مناف‬.
10. Ummu Sufyaan bintu Cabdi Manaaf\‫أم سفيان بنت عبد مناف‬.
Gabdhahaas oo idilna Haashim‫ هاشم‬ayay isku hooyo yihiin, oo Caatikatu bintu Murrata ‫عاتكة‬
‫ بنت مرة‬ayaa wada dhashay.
Caatikatu\‫ عاتكة‬hooyadeedna waa Safiyyatu (waa saad) bintu Xawzatu bin Cumar Ibnu Saluul
(oo magaciisu yahay Murratu) bin Sacsacah (oo labaduba waa saadka shiinka ku xigah) bin
Mucaawiyah bin Bakr bin Hawaazin ‫صفية بنت هوزة بن عمر إبن سلول (وإسمه مرة) بن صعصعة بن معاوية‬
\‫بن بكر بن هوازن‬. Ayada hooyadeedna waa bintu Caa'ithy Allaahi\‫ بنت عائذ هللا‬oo u dhalatay
qabiilka Sacd Al Cashiirah\‫ سعد العشيرة‬oo ka mid ah qabiilka wayn ee Janb min Mathxij ‫جنب من‬
\‫( مذحج‬waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah).
Haashim‫ هاشم‬Ilmihiisa
Haashim bin Cabdi Manaaf\‫ هاشم بن عبد مناف‬wuxuu dhalay afar nin iyo shan haween ah, oo
kala ah:
1. Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬.
2. Asad bin Haashim\‫أسد بن هاشم‬.
3. Abaa Sayfiyyi (waa saadka shiinka ku xigah) bin Haashim\‫أبا صيفي بن هاشم‬.
4. Nadlatu bin Haashim (waa daadka dhibicda kor ku leh saadka ku xigah)\‫نضلة بن هاشم‬.
5. Al Shifaa'u bintu Haashim\‫الشفاء بنت هاشم‬.
6. Khaalidatu bintu Haashim\‫خالدة بنت هاشم‬.
7. Daciifatu bintu Haashim\‫ضعيفة بنت هاشم‬.
127
8. Ruqayyatu bintu Haashim\‫رقية بنت هاشم‬.
9. Xayyatu bintu Haashim\‫حية بنت هاشم‬.
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo Ruqayyatu‫ رقية‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la
yiraahdaa, sidaan usoo aragnay, Salmaa bintu Camr bin Zayd Al Najjaariyyata ‫سلمى بنت عمرو بن‬
\‫زيد النجارية‬. Abuu Sayfiyyi‫ أبا صيفي‬iyo Xayyatana‫ حية‬waa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la
yiraahdaa Hinda bintu Camr bin Thaclabah Al Khazrajiyyah\‫هند بنت عمرو بن ثعلبة الخزرجية‬.
Nadlah‫ نضلة‬iyo Al Shifaa'na‫ الشفاء‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Jaxl
bintu Xubayb bin Al Xaarith bin Maalik bin Xudhaydh Al Thaqafiyyah ‫جحل بنت حبيب بن الحارث بن‬
\‫مالك بن حطيط الثقفية‬, oo reer Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhalatay.
Khaalidah‫ خالدة‬iyo Daciifana‫ ضعيفة‬waa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa
Waafidatu bintu Abii Cadiyyi Al Maaziniyyata\‫وافدة بنت أبي عدي المازنية‬.
Asad\‫ أسد‬hooyadiis waxaa la yiraahdaa Qaylatu bintu Caamir bin Maalik Al Khazrajiyyi ‫قيلة بنت‬
\‫عامر ين مالك الخزرجي‬.
Waxaa kaloo la yiri inay Cabdu Al Mudh-dhalib‫ عبد المطلب‬iyo Asad‫ أسد‬ay isku hooyo wada
dhashay.
Dhimashada Haashim‫هاشم‬
Haashim‫ هاشم‬isagoo Safarka Quraysh\‫ قريش‬hoggaaminaya ayuu Ghazzah\‫ غزة‬ee arliga
Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku dhintay oo lagu duugay, isagoo wali dhallinyaro ah . Qabrigiisuna halkas
ayuu ku yallaa.
‫صور ضريح السيد هاشم جد الرسول الكريم بغزة‬
.
‫‪128‬‬
‫صورة رقم ‪1‬‬
‫‪129‬‬
‫صورة رقم ‪2‬‬
‫صورة رقم ‪3‬‬
‫‪130‬‬
‫صورة رقم ‪4‬‬
‫صورة رقم ‪5‬‬
‫‪131‬‬
‫صورة رقم ‪6‬‬
‫‪132‬‬
‫صورة رقم ‪7‬‬
‫‪133‬‬
‫صورة رقم ‪8‬‬
‫صورة رقم ‪9‬‬
‫‪.‬‬
‫‪134‬‬
‫صورة رقم ‪11‬‬
‫)‪(www.alwatanvoice.com/arabic/news/2006/03/01/38638.html‬‬
‫‪ ee arliga‬غزة\‪ ee Ghazzah‬هاشم بن عبد مناف\‪Qabriga Haashim bin Cabdu Manaaf‬‬
‫‪, aan kasoo qaadannay bogga kor ku xusan.‬فلسطين\‪Falasdhiin‬‬
‫‪Kaddib wahaabiyiin ayaa qabriga ka saaray masjidka, dumiyayna oo dhulka la simay,‬‬
‫‪taasoo ka caraysiisay boqorka Urdun oo saddexda nin oo camalkaas ku kacay dil ku‬‬
‫‪xukamay, isagoo sheegay inay qabriga awoowihiis sidaas yeeleen, boqortooyadiisana‬‬
‫‪isaga lagu magacaabay, sida isla boggaan laga akhrisan karo:‬‬
‫حمالت توعية‬
‫ويقول أبو نجيلة‪ :‬إن هذه المظاهر استمرت حتى بداية االنتفاضة األولى‪ ،‬حيث أقدم عدد من‬
‫الشبان المحسوبين على جماعة اإلخوان المسلمين بعزل الضريح عن المسجد وإزالة شواهد‬
‫القبر‪ ،‬من أجل منع الناس من القيام بهذه البدع والطقوس‪ ،‬ومارسوا حمالت توعية للناس‪.‬‬
‫ويضيف‪" :‬مع مرور الوقت تقبّل الناس األمر‪ ،‬وأصبحوا أكثر وعيًا بحرمة تلك البدع والخرافات‬
‫التي كانوا يمارسونها داخل الضريح"‪.‬‬
‫لكن "هذا العمل أثار غضب الملك حسين عاهل المملكة األردنية الهاشمية الراحل‪ ،‬حيث حكم‬
‫على الشبان الثالثة الذين فصلوا الضريح عن المسجد باإلعدام‪ ،‬لكونه يعتبر أن السيد هاشم بن‬
‫عبد مناف جده وأن مملكته تنسب إليه" بحسب الشيخ أبو نجيلة‪.‬‬
135
Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬
Awoowaha saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdi
Manaaf\‫ عبد مناف‬.
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬hooyadiis waa Xubbaa bintu Xulayl ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin
Kacbi bin Cumar Al Khuzaacii\‫حبى بنت حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمر الخزاعي‬. Luqad ahaan
al xubshiyyatu\‫ الحبشية‬waxaa la yiraahdaa quraanyo wayn oo madow.
Xulayl\‫ حليل‬wuxuu ahaa hoggaamiyaha qabiilka wayn ee Khuzaacah\‫خزاعة‬, wuxuuna hayey
xilka maamulka Kacbada iyo fureheedaba.
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬waa koofaar, magaciisana waxaa la yiraahdaa Al Mughiiratu \‫المغيرة‬,
oo macnihiisu yahay "Weerare, midka cadawgiisa weerara, Duullane".
Waxaa Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬loogu koofaaraya ayadoo ay hooyadiis u hibeysey u adeegidda
sanam wayn oo ay lahaan jireen, ayna caabudi jireen oo la oran jirey Manaata \‫مناة‬, oo uuba
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku xusay Aayadda labaatanaad ee Suuratu Al Najmi ‫سورة‬
\‫النجم‬, uuna ku yiri:
)21( ‫ُخ َرى‬
ْ ‫َو َم َناةَ الثَّالِثَةَ ْاْل‬
"Wa Manaata al thaalithata al ukhraa(20)."
oo macneheedu yahay
"Iyo Manatadii\‫ المناة‬saddexaad ee kale(20)".
Marka magaca macnihiisu waxaa weeye "Addoonkii Manaata". Markaasuu aabihiis wuxuu
arkay inuu magacaas u egyahay oo sidaas wiilkiisa loogu qaldi karo wiilkii awoowihiisa kore
ee Kinaanah\‫ كنانة‬oo magaciisu ahaa Cabdi Manaat bin Kinaanah\‫عبد مناة بن كنانة‬.
Markaasuu magaca wiilkiisa wuxuu u beddelay Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬, oo ta'dii ayuu fa' ku
beddelay.
Erayga Manaaf\‫ مناف‬wuxuu ka yimid naafa\‫ ناف‬oo macnihiisu yahay waa kormaray oo uu sare
ahaaday.
Al Mughiiratu\‫ المغيرة‬koofaartaas ayaa u kacday oo magaciisii uga xoog badatay.
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬wuxuu ahaa nin qurux badan, taasoo dhalisay in loo bixiyo Qamaru
Al Badhaxaa'\‫قمر البطحاء‬, oo macneheedu yahay "Dayaxa Makkah\‫"مكة‬.
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬markuu koray oo uu nin dhallinyaro ah noqday waxaa u sugnaatay
sharaf oo dhan iyo magac iyo madaxtinnimo, wuxuuna gacanta ku dhigay oo uu hantay xilalka
136
Al Rifaadatu\‫الرفادة‬, Al Xijaabatu\‫الحجابة‬, Al Siqaayatu\‫السقاية‬, Al Liwaa'u\‫ اللواء‬iyo Daaru Al
Nadwati\‫دار الندوة‬.
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬wuxuu guursaday Caatikatu bintu Murrata bin Hilaal bin Faalij bin
Thakwaan (waa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigta) bin Thaclabah bin Buhthaata (waa
tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Sulaym bin Mansuur (waa saadka shiinka ku xiga) bin
Cikrimata\‫ عاتكة بنت مرة بن هالل بن فالج بن ذكوان بن ثعلبة بن بهثة بن سليم بن منصور بن عكرمة‬. Ayada
hooyadeedna waa Safiyyatu (waa saad) bintu Hawzatu bin Cumar Ibnu Saluul (oo magaciisu
yahay Murratu) bin Sacsacah (labaduba waa saad) bin Mucaawiyah bin Bakr bin Hawaazin
\‫ صفية بنت هوزة بن عمر إبن سلول (واسمه مرة) بن صعصعة بن معاوية بن بكر بن هوازن‬. Ayada hooyadeedna
waa bintu Caa'ithu Allaahi\‫ بنت عائذ هللا‬oo u dhalatay qabiilka Sacd Al Cashiirah\‫ سعد العشيرة‬ee
gala qabiilka Janb\‫ جنب‬oo ka tirsan Mathxij\‫( مذحج‬waa thaal kor dhibic ku leh oo deelka ku
xiga).
Caatikatu\‫ عاتكة‬waxay Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬u dhashay:
1. Haashim bin Cabdi Manaaf\‫هاشم بن عبد مناف‬.
2. Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf\‫عبد شمس بن عبد مناف‬, dhashiisana ay ka mid yihiin Banii
Umayyah, uuna ka dhashay Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan Thaa Al Nuurayn
\‫أمير المؤمنين عثمان بن عفان ذا النورين‬, Allaha raalli ka noqdee
3. Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\‫المطلب بن عبد مناف‬, ayna ka farcameen Al
Mudhalibiyyuuna\‫المطلبيون‬, uuna ka mid yahay Al Imaam Al Shaaficii\‫اإلمام الشافعي‬, Allaha
raalli ka noqdee.
4. Tumaadar (waa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) bintu Cabdi Manaaf ‫تماضر بنت عبد‬
\‫مناف‬.
5. Qilaabatu bintu Cabdi Manaaf\‫قالبة بنت عبد مناف‬.
6. Xayyatu bintu Cabdi Manaaf\‫حية بنت عبد مناف‬.
7. Raydhatu bintu Cabdi Manaaf\‫ريطة بنت عبد مناف‬.
8. Ummu Al Akhtham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Haalatu bintu Cabdi Manaaf ‫أم‬
\‫األخثم هالة بنت عبد مناف‬.
9. Ummu Sufyaan bintu Cabdi Manaaf\‫أم سفيان بنت عبد مناف‬.
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬wuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Waaqidatu bintu Camr
Al Maaziniyyah\‫واقدة بنت عمرو المازنية‬, waxayna u dhashay:
10. Nawfal bin Cabdi Manaaf\‫نوفل بنت عبد مناف‬, ayna ka farcameen Al Nawfaliyyuuna\‫النوفليون‬.
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬wuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Raydhatu Al
Thaqafiyyah\‫ريطة الثقفية‬, waxayna u dhashay wiil:
11. Abuu Camr bin Cabdi Manaaf\‫أبوعمرو بن عبد مناف‬.
137
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬Walaalihiis
Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬waxaa la dhashay ragga iyo haweenka soo socda:
1. Cabda Al Ddaari bin Qusayy\‫عبد الدار بن قصي‬, oo ah kuwa tan iyo zamankii aabohood
Qusayy\‫ قصي‬hayey xilka Al Xijaabatu\‫الحجابة‬, oo ah u adeegidda Kacbada iyo Fureheedaba,
waxaana xilkaas ilaa maantadaan haya reer Banii Shaybatu\‫ بني شيبة‬ee dhashiisa ah.
2. Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\‫عبد العزى بنن قصي‬, dhashiisa ay ka mid tahay Ummu Al
Mu'miniina haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijatu bintu
Khuwaylid bin Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayyi ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد‬
\‫العزى بن قصي‬, Allaha raalli ka noqdee.
3. Cabdi bin Qusayyi\‫عبد بن قصي‬.
4. Takhmuur bintu Qusayyi\‫تخمور بنت قصي‬.
5. Barrata bintu Qusayyi\‫برة بنت قصي‬.
Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\‫ هاشم‬ku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al
caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi
wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran.
138
Taxanaha
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(Afar)
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
awoowihiisa afaraad
Qusayy
‫قصي بن كالب‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
USA
139
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
1. Tusmada Kitaabka
2. Araarta dhigaha kitaabka
3. Dhasha Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu
4. Dhasha Nabi Ismaaciil, Calayhissalaamu
5. Ka guuridda Makkah ee Dhasha Nabi Ismaaciil, Calayhissalaamu
6. Cadnaan iyo Bukhtunassar
7. Ka saaridda Makkah ee Jurham
8. Daad Makkah soo galay
9. Quraanyo Makkah kusoo degatay
10. Jebinta Jurham
11. Riwaayadda Al Suhaylii ee Xajarul Aswadka
12. La wareegidda Khuzaacah ee Maamulka Baytka
13. Qariibnimada Al Xaarith bin Mudaad ee Makkah
14. Zayd
15. Qusayy
16. Kacdoonka Qusayy
17. Qusayy oo amarka Makkah ku adkaaday
18. Madaxtinnimada Qusayy
19. Daaru Al Nadwati
20. Amarka Al Rifaadatu
21. Qusayy oo Kacbada dhisay
22. Deeqday Makkah arliga intiisa kale dheertahay
23. Magacda Makkata Ak Mukarramati
24. Xaramka Makkata Al Mukarramati
25. Al Tanciimu
26. Nakhlata
27. Adaata laban
28. Al Jicraanatu
29. Al Xudaybiyyah
30. Jabalu Carafaat
31. Magacda Kacbada
32. Inta goor oo kacbada la dhisay
33. Cabbirrada Kacbada
34. Kacbada gudeheeda
35. Saqafka Kacbada
36. Al Shaatharwaanu
37. Harka Kacbada
38. Al Kiswatu
39. Cabbirrada Kiswada
40. Quraanka kiswada ku dhigan
41. Suunka Kacbada hoostiisa
42. Sataarada albaabka Kacbada
43. Al Baytu Al Macmuuru
44. Ciidan Kacbada ku duulaya
Bogga
139
141
143
143
144
146
147
148
148
149
149
152
152
152
154
158
159
160
163
164
165
165
170
175
175
175
176
176
176
176
176
179
185
186
186
186
187
187
188
188
193
195
198
198
140
45. Duminta Kacbada
46. Labada nin oo dhimasho ugu dambeysa ummaddaan
47. Qusayy soo noolee
48. Al Muzdalifatu
49. Minaa iyo Masjidu Al Baucah\Masjidu Al Caqabah
50. Masjidu Al Kabshi
51. Masjidu Al Khayfi
52. Al Jamraat
53. Xikmooyinka Qusayy
54. Qusayy walaalihiis
55. Ilmaha Qusayy
56. Dhimashada Qusayy
199
199
200
201
208
210
214
215
220
220
220
221
141
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa
Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini.
‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره‬.‫بإحسان إلى يوم الدين‬
.‫الغافلون‬
Kitaabkaan Qusayy\‫( قصي‬waa saad) kana kooban lix iyo konton qaybood waa kii afaraad ee
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka
Al Baghawii\‫تفسير البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫ األلوسي‬, Dhaahir Caashuur ‫طاهر‬
\‫ عاشور‬iyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al
Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka\‫ ;السنن‬Kutubbada Siirada sida
Ibnu Hishaam\‫( إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al
Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka
Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu
Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al
Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo
dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin
Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫( القاضي اإلمام حسين بن محمد بن الحسن الدياربكري‬oo
dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al
Xalabii\‫( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al
Qadii Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, iyo Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo
Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati ‫كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير‬
\‫ البرية‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin
Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi\‫ اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسي‬oo
faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga)
iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\‫ دليل الحاج المصور‬uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal
\‫صالح محمد جمال‬, intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta
ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ee Al Xaafith
Abii Nucaym Al Asbahaanii\‫ الحافظ أبي نعيم األسبهاني‬oo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga)
iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii\‫( اإلمام الشافعي‬dhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee
Hijriga) ee Al Ummu\‫ األم‬iyo Culuumu Al Quraani\‫علوم القرآن‬, iyo kutubbada Imaam Al
Nawawii\‫( اإلمام النووي‬oo noolaa inta u dhexeysa lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo
toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc\‫المجموع‬, Manaasiku Al Xajji\‫ مناسك الحج‬uuna sharxay
Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\‫( أبن حجر الهيتمي‬oo Makkah\‫ مكة‬ku dhintay sagaal boqol afar iyo
toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\‫األذكار‬, Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi
\‫ سبائك الذهب في معرفة قبائل العرب‬ee Shaykh Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al
shahiir bi Al Suwaydii\‫الشيخ أبي الفوز محمد امين البغدادي الشهير بالسويدي‬, Lisaanu Al Carabi ‫لسان‬
\‫ العرب‬ee Al Imaamu ibnu Al Manthuur\‫( اإلمام إبن المنظور‬nolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo
142
soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\‫ مختار الصحاح‬ee Al
Raazii\‫الرازي‬, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda
Islaamka
Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay
iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay
Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, uuna tarjumay
Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee. Waxa
suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii
qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa
Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo,
qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan
jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo
nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la
hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Axad, kow iyo labaatanka Rajab\‫ رجب‬kun afar boqol saddex iyo labaatan Hijriga, una dhiganta
sagaal iyo labaatanka September laba kun iuo laba miilaadiga.
143
Dhasha Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu
Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, wuxuu lahaa ilmo kale oo aan Ismaaciil\‫ إسماعيل‬iyo
Isxaaq\‫ إسحاق‬ahayn, waxayna kala yihiin sideed caruur oo ay u dhashay haweeneyda la
yiraahdo Qadhuuraa binti Yaqdhir\‫قنطوراء بنت يقطر‬, ayna ka mid yihiin:
(1) Madyaanu\‫ميدان‬.
(2) Zamraanu\‫زمران‬
(3) Sirju\‫سرج‬.
(4) Niqshaanu\‫نقشان‬, kanoo intuu guursaday haweeney la yiraahdo Righwatu\‫ رغوة‬u dhashay
nin la yiraahdo Barbar\‫بربر‬, kanoo ah aabahay ku abtirsadaan dadka Barbariyiinta\‫ البرابر‬la
yiraahdo, oo Waqooyiga iyo Waqooyi Bariga Afrika ku nool. Riwaayad ayaa waxay warisay
inuu ninkaanu dhalay soomaalida, oo uu ahaa midka ugu horreeyey oo degmada Barbara dega.
(5) Nashaq\‫نشق‬.
(6) Madan\‫مدن‬.
Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, wuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo
Xajjuun bintu Uhayn\‫حجون بنت أهين‬, wxayna u dhashay shan wiil oo kala ah:
(1) Kiisaan\‫كيسان‬.
(2) Suuraj\‫سورج‬.
(3) Umaym\‫أميم‬.
(4) Luudhaan\‫لوطان‬.
(5) Naafis\‫نافس‬.
Dasha Nabi Ismaaciil‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu
Nabi Ismaaciil wuxuu dhalay laba iyo toban wiil oo kala ah (1) Naabit\‫نابت‬, oo curadkiisa ah,
(2) Qaydar\‫قيدر‬, (Qaydaar-na\‫ قيدار‬waa la yiri), (3) Athbul\‫( أذبول‬waa thaal dhibic kor ku leh oo
deelka ku xigah), (Adbiilna\‫ أدبيل‬waa la yiri), (4) Manshaa\‫منشا‬, (5) Mismac\‫مسمع‬, (6) Maasaa
‫ماسا‬, (7) Dimmaa\‫دما‬, (8) Athar\‫( أذر‬waa thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah), (9)
Dhiimaa\‫طيما‬, (10) Yadhuuraa‫يطورا‬, (11) Nabish\‫نبش‬, (12) Qaythumaa\‫( قيذما‬waa thaalka dhibic
kor ku leh oo deelka ku xigah). Wiilashaas hooyadood magaceedu wuxuu ahaa Al Sayyidatu
bintu Mudaad bin Camr Al Jurhamiyyi\‫السيدة بنت مضاض بن عمرو الجرهمي‬, waana midda uu
Ibraahiim\‫ إيراهيم‬ku oran doono, markuu Makkah\‫ مكة‬yimid ayadoo uu Ismaaciil\‫إسماعيل‬
qabo, markaasna uu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬Makkah\‫ مكة‬ka maqan yahay:
"Waxaad ninkaaga ku tiraahdaa markuu yimaado:
"Raalli ayaan xakabadda gurigaaga kaaga ahay".
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Jurham\‫ جرهم‬waa ina Qaxdhaan\‫قحطان‬, Qaxdhaanna‫ قحطان‬waa aabaha Yaman\‫ يمن‬wada dhalay,
oo isaguu nasabkoodu isugu yimaadaa, Qaxdhaanna\‫ قحطان‬waa Ibnu Caabir bin Shaalakh bin
Arfakhshad bin Saam bin Nuux\‫إبن عابر بن شلخ بن أرفخشد بن سام بن نوح‬."
Haweentaas waxay Ismaaciil‫ إسماعيل‬u dhashay oo kale gabar la yiraahdo Nasmatu bintu
Ismaaciil\‫نسمة بنت إسماعيل‬, uuna guursaday ina adeerkeed Caysuu (waa saadka shiinka ku
xigah) bin Isxaaq bin Ibraahiim\‫ عيصو بن إسحاق بت إبراهيم‬, waxayna u dhashay wiil la yiraahdo
144
Al Ruum\‫الروم‬, oo Roomaanka aabohood ah, iyo wiil Faaris\‫ فارس‬la yiraahdo oo Iiraaniyiinta
dhalay.
Laba iyo tobankaas wiil oo uu Ismaaciil‫ إسماعيل‬dhalay ayaa Carabta maanta jirta ka wada
farcantay, haddii Qaxdhaan\‫ قحطان‬laga dhigo siday culummada qaarkood yiraahdeen ina
Cadnaan bin Udd\‫عدنان بن أد‬, oo ah awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Ka guuridda Makkah\‫ مكة‬ee dhasha Ismaaciil‫إسماعيل‬
Dagaalka Jurham\‫ جرهم‬iyo Qadhuuraa'\‫ قنطوراء‬dhex maray kaddib, nabad iyo xasillooni ayaa
Makkah\‫ مكة‬ka dhacay, ayadoo ay Jurham\‫ جرهم‬maamulka Kacbada hayso, ilmihii Nabi
Ismaaciilna‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, ay tarmeen, Makkana\‫ مكة‬ay reer abtigood wada
degganaayeen.
Kaddib, markay tarmeen oo ay bateen Makkah\‫ مكة‬way ku yaraatay oo ay ciriiri noqotay,
ayadoo aan beero, wabiyo iyo daaqsiin ku filan lahayn.
Laba iyo tobankii wiil oo ahaa ilmo Ismaaciil waxaa ka farcamay laba iyo toban qabiil, qabiil
walbana uu leyyahay oday u madax ah oo hoggaankooda haya.
Markaasey waxay goosteen inay Makkah\‫ مكة‬ka guuraan oo ay arliga Ilaahay oo kale degaan,
meel biyo iyo beer iyo baad leh.
Qabiil walba intuusan Makkah\‫ مكة‬ka guurin, Kacbada ayuu ku dhawaafay, ayagoo Ilaahay ugu
shukrinaya rizqiga iyo galladda uu ku manneystay, kana baryaya inuu meel khayr leh dejiyo.
Ilmo Ismaaciil‫ إسماعيل‬Kacbada aad ayay u jeclaayeen, markaasey markay Makka\‫ مكة‬ka
baxayeen dhagaxda Kacbada agteeda yiillay wax kasii qaateen, si ay intay qurbaha joogaan
kusoo xusuustaan.
Markasuu qabiil walba wuxuu kaxeystay haweenkoodii iyo caruurtoodii iyo xoolohoodiiba.
Qabiilka Naabit\‫ نابت‬wuxuu degey Badda Maydka ah ee arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬. Markaasey
dadkii beeshaas degganaa waxay u arkeen reer Naabit\‫ نابت‬inay dhulkii ka qaadeen iyo
daaqsiintii xoolahaba.
Markaasey dagaal kusoo qaadeen, Ilaahayna wuxuu guusha siiyay muslimiinta dhasha Naabit
bin Ismaaciil bin Ibraahiim Khaliilu Al Rraxmaani\‫نابت بت إسماعيل بن إبراهيم خليل الرحمن‬
ahayd.
Sidaas ayay Naabit‫ نابت‬beeshaas ku degtay oo ay ku nagaaday. Kaddib waxaa ubadka Naabit
‫ نابت‬loo aqoon doonaa Al Nabdhiyyuuna\‫األنباط‬, oo Boqortooyo yeelan doona ay caasimaddedu
tahay Al Badhraa'\‫البطراء‬, oo ah magaalo yaab leh, oo dhammaanteedba buuro ku wareegsan
yihiin oo hal dariiq keli ah uu galo, le'egna inutuu hal qof oo socda mari karo, una jirta
Cammaan\‫عمان‬, caasimadda dalka Urdun\‫ أردن‬laba boqol iyo konton kiilomitir, kana xigta
xagga Koofur iyo xagga Boqortooyada Sucuudiga.
145
Al Badhraa'\‫ البطراء‬waxaa laga qoray oo ay ku dhex taalla buuraha meeshaas ku yaalla, oo waa
magaalo idil oo buuraha ka qodan! Nasabka Quraysh\‫ قريش‬wuxuu galaa Nabdhiyyiintaas\‫األنباط‬,
sida Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬looga wariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba
raalli ka noqdee.
Qabiilka Qaydarna\‫ قيدر‬sidaas oo kale ayay ayaguna Makkah\‫ مكة‬uga guureen, waxayna degeen
dariiqa Safarrada iyo garawaantu maraan, halkaasoo ay ku xasileen oo ay ku nagaadeen.
Qabiilka Duuma\‫ دوم‬ayagana Makkah\‫ مكة‬way ka baxeen, waxayna degeen dariiqa Safarrada
ganacsigu maraan, meel aan reer Qaydar\‫ قيدر‬ka fogayn, waana meesha kaddib Boqortooyada
Duumatu Al Jandal\‫ دومة الجندل‬noqon doonta, sidaan Inshaa'a Allaahu, siirada ugu arki doonno.
Qabiilka Masaa\‫ مسا‬markay Makkah\‫ مكة‬ka guureen waxay degeen Bariga meesha la yiraahdo
Mu'aab\‫ مؤآب‬oo Falasdhiin\‫ فلسطين‬agteeda ah, meel Waqooyi Galbeed degmada qabiilka Naabit
‫ نابت‬uga beegan.
Qabiilka Taymaa'a\‫ تيماء‬waxay ayagu degeen Al Calaa\‫العال‬.
Qabiilka Ithbiil\‫ إذبيل‬waxay degeen Ghazzah\‫ غزة‬agteeda ee arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬, meel
degmadaas Koofur Galbeed ka xigtah.
Qabiilka Yadhuur\‫ يطور‬waxay degeen Saynaa'\‫ سيناء‬ee maanta Masar\‫ مصر‬ka tirsan, waxayna
ka degeen meesha ayaga lagu magacaabay oo ah Al Dhuur\‫الطور‬.
Meel kastoo ay degaanba, ilmo Ismaaciil\‫ إسماعيل‬mar walba ayaga ayaa gacanta sare ka lahaa
dadkey meeshaas ugu tageen oo la dagaallamay, maxaa yeelay aygu muslimiin ayay ahaayeen,
oo Ilaahay ayaga ayuu la jiray.
Ilamo Ismaaciil‫ إسماعيل‬markay u hiloobaanba, Makkah\‫ مكة‬way kusoo noqonayeen, si ay
Kacbada ugu dhawaafaan. Markay muddo dheer kasoo wareegatay, oo ay dhasheen facyo
cusub oo aan Makkah\‫ مكة‬iyo Kacbada agteeda kusoo noolaan, ayay quluubtoodii adkaatay, oo
ay odayadoodu ka baqeen inay hawada naftooda raacaan.
Markaasey dhagaxdii Kacbada oo meel adag ugu kaydsanayd soo bixiyeen, si ay Kacbada u
xusuustaan iyo Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬. Markaasey dhagaxdaas ay aabayaalkood soo
qaadeen ayay waxay odayadii dhigeen meel ay cibaadada ugu tala galeen oo ay u diyaariyeen
oo aamin ah, sida Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬oo kale.
Markaasey waxay calaamadeeyeen barta dhawaafka laga bilaabayo, kaddibna ay dhagaxdaas
ku dhawaafeen sida Kacbada loogu dhawaafo oo kale. Odayadu markay sidaas yeeleenna way
isla hagaagsanaayeen, ayadoo ujeedadoodu tahay inuu dhawaafkaasu ruuxooda iyo kuwa faca
cusubba u siiyaan cunno ruuxi ah, taasoo laga helo ku dhawaafidda Kacbada. Sidaas ayay
fitnada Diintu ku bilaabatay, oo kaddibna, waa dambe, intuu Ibliis nin isaga soo dhigay ayuu
kula taliyay inay dhagaxdaas sanam ka sameeyaan oo ay caabudaan.
146
Nabdhiyyiintu\‫ األنباط‬waxay Badda Maydka ah kala soo bixi jireen macaadin, waxayna ganacsi
u tegi jireen dalka Masar\‫مصر‬, halkaasoo ay asnaam qurxoon kusoo arkeen. Masar\‫ مصر‬ayay
asnaamtaas kasoo qaateen, ayna bilaabeen inay caabudaan.
Waxaa asnaamtaas ka mid ahaa Allaata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫العزى‬. Asnaamtaas kaddib waxay u
gudubtay Duumatu Al Jandal\‫دومة الجندل‬, oo ayadana laga caabuday iyo degmooyinkii kale ee
dhasha Ismaaciil‫إسماعيل‬. Labadaas sanam ee Allaata iyo Al Cuzzaa\‫ الالت زالعزى‬wuxuu Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ku xusay Aayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu
Al Najmi\‫سورة النجم‬:
َّ ‫أَفَ أرَْيتُم‬
)11( ‫ت َواْل ُع َّزى‬
َ ‫الَل‬
ُ َ
"Afara'ytumu Allaata wa Al Cuzzaa(19)",
oo macneheedu yahay
"Bal ka warramaya (sanamyada) Allaata\‫ الالت‬iyo Cuzzaa\‫(العزى‬19)."
Cadnaan\‫ عدنان‬iyo Bukhtunassar\‫بختنصر‬
Bukhtunassar\‫ بختنصر‬wuxuu ahaa Boqor cajam ah oo Baabil\‫ بابل‬u taliyay, caasimaddiisuna ay
ahayd Niinawaa\‫نينوى‬, magaaladii Nabi Yuunus bin Mattaa\‫يونس بن متى‬, Calayhissalaamu, oo
Waqooyiga Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla.
Kaddibna wuxuu caasimad ka dhigtay, markuu Boqorkeedii ka adkaaday, Baabil\‫( بابل‬macnaha
Baabil\‫ بابل‬waa Baabu\‫ باب‬oo ah albaabka iyo Iil\‫ إيل‬oo ah Ilaahay, sida Quddus\‫ قدس‬loo
yiraahdo oo kale Baytu Iil\‫ بيت إيل‬oo ah Guriga Ilaahay), oo ayaduna dalka Ciraaq\‫ عراق‬ku
taalla.
Bukhtunassar‫ بختنصر‬wuxuu Boqor ahaa inta u dhexeysey kun iyo boqol iyo lix iyo konton
sano ilaa kun iyo boqol iyo sideed iyo soddon sano ka hor dhalashada Nabi Muaxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Zamankiisaas waxaa Boqortooyada Nabdhiyyinta\‫ األنباط‬Boqor u ahaa Cadnaan bin Udd ‫عدنان‬
‫بن أد‬, oo ah faraca Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬, iyo awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad,
Salla Allaahu Calayhi Wasallam.
Bukhtunassar‫ بختنصر‬wuxuu kusoo duulay oo uu burburiyay, sidaan hore u soo sheegnay,
Dawladdii Yuhuudda, kaddibna wuxuu usoo baxay la dagaallanka Carabta uu Cadnaan \‫عدنان‬
madaxa u ahaa.
Cadnaan\‫ عدنان‬iyo Bukhtunassar‫ بختنصر‬waxay isaga horyimaadeen meesha la yiraahdo
Xasuuraa'\‫( حصوراء‬waa saadka shiinka ku xiga). Intuusan xarbiga u bixin, Cadnaan\‫عدنان‬
wuxuu labadiisii wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Macadd\‫معد‬, oo markaas laba iyo toban sano
jira ahna awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
147
Wasallam, iyo Cakk\‫عك‬, u diray arliga awoowayaalkiisu ka yimaadeen ee Makkata Al
Mukarramati\‫مكة المكرمة‬.
Dagaalkaas khasaarooyin ayaa laba dhinacba gaaray, wayna kala adkaan waayeen. Markaasuu
Boqor walba dalkiisa dib ugu laabtay, isagoo aan guul iyo jebin midna wadin. Bukhtunassar
‫ بختنصر‬Carab wuu ka adkaan waayey siduu Yuhuudda uga adkaaday oo kale.
Ka saaridda Makkah\‫ مكة‬ee Jurham\‫جرهم‬
Makkah\‫ مكة‬waxaa mar walba ka socday ganacsi xoog leh, ganacsigaana wuxuu keenay dahab
iyo qalin iyo maal, oo sidaas ayay reer Makkah \‫ مكة‬iyo Jurham\‫ جرهم‬waxay noqdeen dad hodan
ah.
Markaasey Jurham\‫ جرهم‬waxay doontay inay Rabbiga Baytka\‫ رب البيت‬hadiyad
hodannimadoodaas u dhigantah u hibeeyaan. Markaasey laba deero oo dahab ka sameysan
uurka Kacbada dhigeen.
Jurham\‫ جرهم‬waxay markaas Maamulka Kacbada haysaa in ka badan toddoba boqol oo sano.
Markaas kaddib ayaa waxaa Jurham\‫ جرهم‬Boqor u noqday ninka la yiraahdo Al Xaarithu bin
Mudaad bin Camr ibnu Al Xaarith Al Jurahmiyyi \‫الحارث بن مضاض بن عمرو إبن الحارث الجرهمي‬,
kanoo Maamulka Kacbada iyo martida Ilaahayba dandarreeyey, waxaana Makkah\‫ مكة‬ka
dillacay thulmi\‫ ظلم‬iyo gardarro loo geysto dadka soo gala oo yimaada. Caddaaladdiina way
xumaatay oo suuqyadii wax lagu kala gadanayey khayaano ayaa ka dillacday.
Macadd bin Cadnaan\‫معد بن عدنان‬, markuu Makkah\‫ مكة‬yimid, kaddib markuu aabihiis Al
Badhraa'\‫ البطراء‬kasoo diray, halkaas ayuuna ku koray,
Makka\‫ مكة‬ayuuna ku guursaday, caruurna ku dhalay.
Markuu Macadd‫ معد‬dhintay, isagoo Muslin ah oo Diinta Ibraahiim \‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu,
ku taagan, ayaa Cadnaaniyiinta waxaa oday u noqday wiilkiisa Nizaar bin Macadd bin
Cadnaan\‫نزار بن معد بن عدنان‬.
Nizaar‫ نزار‬wuu ka xumaaday xadgudubkaas ay Jurham\‫ جرهم‬ku kacday, markaasuu markuu
dhimanayey wuxuu wiilashiisa kula dardaarmay inay Jurham \‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬ka saaraan,
wuxuuna yiri:
"Jurham\‫ جرهم‬Baytka\‫ البيت‬ka saara, Maamulkiisana ha la wareego Iyaad\‫( إياد‬oo ah ina
Nizaar\‫)نزار‬."
Markaasu Nizaar‫ نزار‬dhintay. Kaddib waxaa kulmay wiilashiisa Iyaad\‫ إياد‬iyo Mudar\‫مضر‬
(waa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) iyo Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Anmaar\‫أنمار‬, kana
tashaday sida dardaaranka aabohood loo fulin lahaa, oo kuwa Baytka Ilaahay\‫ بيت هللا‬ku xad
gudbay Makkah\‫ مكة‬looga saari lahaa. Afartaas wiilba waxaa ka farcamay afar qabiil oo
waynoo Carab ah, magacdoodana sita.
148
Daadad Makkah\‫ مكة‬soo galay
Intayanse dagaal bilaabin ayaa Samadu unkadday oo ay biriqday oo ay roob xoog leh soo
deysey, ay guryihii Makkah\‫ مكة‬la gariireen, khaymadihiina udubbada u siibay, kuwa Xaramka
Ilaahay ku xad gudbayna quluubtooda cabsi iyo argagax ku riday. Daadad ayaa buuraha
Makkah\‫ مكة‬kasoo rogmaday oo Kacbada galay oo dumiyay. Markaasuu dadku ka baqay inuu
Ilaahay u caroodo siduu reer Nabi Nuux\‫ نوح‬ugu carooday oo kale, oo ay biyuhu harqiyaan.
Ilahayse wuu u naxariistay oo dhulka Makkah\‫ مكة‬ayaa biyihii leqay, roobkiina waa ka
joogsaday
Quraanyo Makkah\‫ مكة‬kusoo degatay
Daadadkaas iyo dumidda Kacbada kaddib, ayay dhashii Ismaaciil\‫ إسماعيل‬Jurham\‫ جرهم‬u
tageen, ayna kala hadleen siday Xaramka ugu xad gudbeen.
Markaasey Jurham\‫ جرهم‬tawbad keen muujisay, Kacbadiina ay dib u dhiseen, oo ay siduu
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬u dhisay oo kale u dhiseen, aasaaskiisana ku kor dhiseen. Muddo ayaa soo
wareegtay, Jurhamna\‫ جرهم‬way hilmaantay digiddii Samada looga digay, oo ay xadgudubkiina
soo celiyeen, ciddii Makkah\‫ مكة‬soo gashana ay thulmiyeen, beecana ay miisaanka ku
khayaaneen oo ay khafiifiyeen, dadka Xujayda ah oo Ilaahay martidiisa ahna ay cabsi geliyeen.
Markaasey waxay xadeen dahabka iyo maalka uu dadku Kacbada u hibeeyo oo god dhexdeeda
ku yiillay lagu kaydin jiray. Maalkaasna waxaa lagu bixin jiray Maamulka Kacbada, waxaana
wax laga siin jiray fuqarada saboolka ah iyo masaakiinta, xujaydana waa laga waraabin jiray,
cunnana looga gadi jiray.
Waxaa la wariyay in nin Jurham ka mid ah uu godkaas galay, godkaasoo uu Nabi Ibraahiim
‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu , qoday, si hadiyadaha Kacbada loo hibeeyo loogu kaydiyo. Ninkaas
Jurham\‫ جرهم‬u dhashay wuxuu godkaas u galay inuu maalka Kacbada xado. Markaasaa godka
afkiisa dhagax kasoo fuqay oo ku kusso dhacay, kuna habsaday, halkaasna uu ku xabbisay.
Markaasaa tuuggaas inta dhagaxii laga dul qaaday ayaa godkii laga soo saaray, maalkii uu soo
xadayna gacantiisa laga bixiyay.
Kaddib waxaa godkaas loo soo diray mas wayn oo madaxiisu waxar madaxeeda oo kale yahay,
korkana ka madaw, calooshana ka cad, oo cabsiin jiray ciddii godkaas usoo dhowaata. Sida la
sheegeyna, maskaasu wuxuu godkaas ku sugnaa ilaa shan boqol oo sano, sidaan qisadiisa ugu
sheegi doonno, Inshaa'a Allaahu, markaan ka warbixineynno markay Qurayshi Kacbada dib u
dhistay. Labadaas deerana waxaa heli doona, sidaan kutubteyda Cabdu Allaahi iyo Aaminah
iyo Cabdu al Mudh-dhalib ugu soo sheegnay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiisa Cabdu Al Mudh-dhalib, marka la tusay ceelka Zamzam, inuu qodana
lagu amray.
Jurham kaddibna Kacbaday ku xadgudbeen oo waxayba ka dhigteen meel lagu caweeyo, sida
naadi naadiyadooda ka mid ah oo kale, oo waynaanteeda ayaaba quluubtooda laga saaray.
Markaasaa waxaa buuraha Makkah\‫ مكة‬kasoo degatay quraanyo, oo Makkah\‫ مكة‬kusoo
degatay, ilaa ay dhulkii oo idil dabooshay oo uu madawgeedu wada daboolay. Markaasey
149
dhirtii wada gashay, iyo ariga iyo geelaba, oo inta sanka iyo afkaba ka gashay uurkooda
buuxisay, oo waxaan lafo ahayn ayan reebin.
Markaasey quraanyado markay intii kaloo idil soo dhammeysay, ay Kacbada timid, oo ay
hareereysay, oo ay kuwii agteeda ku caweynayey oo ku qoslayey meel walba ka gashay.
Markaasey dadkii Makkah\‫ مكة‬degganaa u gudubtay, oo intay meel walba ka gashay ay dhulka
ku daateen, kuna dhex daateen bado quraanyo ah. Sidaas ayay ku la'deen, oo ay quraanyo
laysay. Markay in badan Jurhamkii\‫ جرهم‬Kacbada ku xad gudbay ka dhinteen, ayay
quraanyadii Makkah\‫ مكة‬ka baxday, oo ay buureheeda ku noqotay.
Jebinta Jurham\‫جرهم‬
Markaas kaddib, ayay Iyaad iyo Mudar\‫ مضر‬iyo Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Anmaar\‫أنمار‬, wiilasha
Nizaar\‫نزار‬, ayagoo meel marinaya dardaaranka aabohood, oo ahaa in Jurham\‫ جرهم‬Makkah
\‫ مكة‬laga saaro,, ayay ayagoo ay la saf yihiin intii kale ee dhasha Ismaaciil\‫إسماعيل‬, hub
qaateen, oo ay reer abtigood Jurham\‫ جرهم‬la dagaallameen.
Jurham\‫ جرهم‬waa la jebiyay, oo laga adkaaday, Makkana\‫ مكة‬laga saaray.
Jurham\‫ جرهم‬Boqorkoodii Al Xaarith\‫ الحارث‬markuu arkay inuu dagaalku ku socdo jebintooda
oo laga adkaan doono, ayuu wuxuu tegey Kacbada oo uu uurkeeda galay, wuxuuna kala soo
baxay labadii deero oo dahabka ka sameysnaa, Xajarul Aswadkana\‫ الحجر األسود‬wuu la soo
baxay oo Rukniguu kala soo baxay, wuxuuna goostay inuu labadaasba la cararo.
Markaasuu wuxuu arkay in raggiisa la jebiyay oo ay Cadnaaniyiintu\‫ العدنانيون‬isaga xaggisa
usoo socdaan, wuxuuna arkay inay soo gaarayaan oo wuxuu sito ay gacantiisa kala baxayaan.
Markaasey ishiisu waxay ku dhacday ceelka Zamzam\‫زمزم‬.
Markaasuu labadii deero iyo Xajarul Aswadkiiba\‫ الحجر األسود‬ceelka Zamzam\‫ زمزم‬ku duugay,
oo uu ciid ka kor mariyay, kaddibna intuu daabbaddiisa fuulay ayuu Makkah \‫ مكة‬ka baxay.
Raggiisii markay arkeen Boqorkoodii oo sii cararaya ayay ayaguna baqdeen, oo ayaguna ka
daba carareen. Sidaas ayay Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬uga baxday oo ay Yaman\‫ يمن‬ugu guurtay.
Riwaayadda Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ee Xajarul Aswadka\‫الحجر األسود‬
Al Suhayli\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay riwaayadaan kale, wuxuuna yiri:
"Asalka soo wareegidda Maamulka Kacbada uu kasoo wareegay ubadka Mudar\‫ مضر‬uuna u
soo wareegay Khuzaacah\‫ خزاعة‬wuxuu ahaa in Xaramku ciriiri ku noqday ubadka Nizaar\‫نزار‬
(bin Macadd\‫)بن معد‬, Iyaadna\‫ إياد‬ay ku xad gudubtay ayay ubadkii Banii Mudar bin Nizaar ‫بني‬
\‫مضر بن نزار‬, oo ilmo adeerradood ah ka saareen, Makkana\‫ مكة‬ay ka eryeen.
Markaasey habennimo u qasdeen Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬, kaasoo ay la bexeen, ratina ay
saarteen. Markaasuu ratigii la arruntayoo uu la fariistay, oo uuba dhulka ku dhacay. Markaasey
Xajarul Aswadkii\‫ الحجر األسود‬rati kale saareen, kaasoo isaguna arruntay oo dhulka kula dhacay.
150
Rati saddexaad ayay ku wareejiyeen, isaguna sidoo kale ayuu la fariistay. Markay intaas
arkeen, ayay Xajarul Aswadkii\‫ الحجر األسود‬dhulka ku duugeen, iskagana tageen.
Markaasey Makkah\‫ مكة‬markay waabariisatay oo ay Xajarul Aswadkii\‫ الحجر األسود‬arki
waayeen, ayay kurbo wayni gashay.
Haweeney Khuzaacah\‫ خزاعة‬u dhalatay ayaa u jeeday meesha lagu duugay, markaasey tolkeed
u sheegtay. Markaasey Khuzaacah\‫ خزاعة‬waxay ciddii Maamulka Baytka haysey u sheegtay
inay tusayso meeshuu Xajarul Aswadku\‫ الحجر األسود‬yaallo, ayaguna ay Maamulka Baytka uga
tanaazulaan oo ay kusoo wareejiyaan. Kuwaasna way yeeleen.
Sidaas ayuu Maamulka Kacbadu ugu soo wareegay oo ay Khuzaacah\‫ خزاعة‬ku yeelatay.
Khuzaacah\‫ خزاعة‬waxay xilkaas haysay ilaa uu Abuu Ghubshaan\‫ أبوغبشان‬ku wareejiyay Cabdi
Manaaf\‫عبد مناف‬. Taas weeyana macnaha hadalka Al Zubayru\‫الزبير‬. Intaas waa warkii Al
Suhaylii\‫السهيلي‬.
Ibnu Hishaam-na\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"markay Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬ku xad gudubtay, oo ay xurmadeedii xalaaleysteen, ayna
ciddii soo gasha thulmiyeen, maalkii Kacbadana ay xadeen, ayuu amarkoodu wiiqmay.
Markaasey qabaa'ilka la kala yiraahdo Banuu Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah ‫بنو بكر بن عبد‬
\‫ مناة بن كنانة‬iyo Ghubshaan\‫ غبشان‬oo Khuzaacah\‫ خزاعة‬u dhalatay, waxay goosteen oo ay ku
heshiiyeen inay la dagaallamaan oo ay Makkah\‫ مكة‬ka saaraan.
Markaasey xarbi ugu dhawaaqeen, oo ay la dagaallameen, ayna ka adkaadeen, Makkana \‫ مكة‬ay
ka eryeen.
Makkana\‫ مكة‬waqtigii jaahiliyada ma ayan oggolaan jirin xadgudub iyo kibir xaqqa looga
leexdo in dhexdeeda lagula yimaado, ciddii ula timaadana waa ayada saarta oo bixisa. Taas
ayaana u sabab ah in loo bixiyay Al Naasatu\‫الناسة‬, mana jiro Boqor doonaya inuu xurmadeeda
xalaaleysto ee waa illaa kan isla markaasba isla meeshiisa ku halaagsamah.
Waxaaba la yiri in Bakkata\‫ بكة‬loogu bixiyay ayadoo jabbaariinta tabukku acnaaqahum ‫تبك‬
\‫ إعناقهم‬oo ah luqumaha ayay ka jebisaa markay xumaan ku dhex sameeyaan."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬riwaayad saddexaad ayuu ka wariyay sida Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬looga
saaray, wuxuuna yiri:
"Markay Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬siday ugu xad gudubtay ugu xad gudubtay, ayaa waqtigaasi
wuxuu waafaqay oo uu ku beegmay markay (dadkii reer Yaman\‫ يمن‬ee) Saba'\‫ سبأ‬kala firdheen,
kaddib markuu biyo xireenkii Al Carim\‫ العرم‬intuu burburay uu daad kusoo rogay.
Wuxuu kaloo ku beegmay markuu Xaarithatu bin Thaclabah bin Camr bin Caamir ‫حارثة بن ثعلبة‬
\‫ بن عمرو بن عامر‬uu arliga Makkah\‫ مكة‬soo degay, ayadoo ay sidaas ku amartay kaahinadda
Camr bin Muzayqiyaa'a\‫ عمرو بن مزيقياء‬una dhalatay qabiilka Ximyar\‫حمير‬.
Wuxuu kaloo arligaas Makkah\‫ مكة‬ku degay amarka Cimraan bin Caamir\‫ عمران بن عامر‬oo ah
Camr\‫ عمرو‬walaalkiis, oo isaguna kaahin faaliya ahaa. Markaasuu Xaarithatu\‫ حارثة‬isagoo
151
qawmkiisa wada wuxuu soo degay arliga Makkah\‫ مكة‬, wuxuuna Jurham\‫ جرهم‬weydiistay inay
u oggolaato inuu halkaas Makkah\‫ مكة‬agteeda ah degganaado maalmo, si biyo loogu soo
dhaamiyo, sahanna uu dirsado usoo sahmiya meeshay arliga ka degi lahaayeen.
Markaasey Jurham\‫ جرهم‬codsigaas u diiday, oo ay ka careysiiyeen. Markaasuu Xaarithatu\‫حارثة‬
wuxuu ku dhaartay inuusan Makkah\‫ مكة‬ka bixin dagaal sokadiis mooyee iyo in laga adkaadee.
Markaasey Jurham\‫ جرهم‬la dagaallantay, waxaana guushii helay reer Xaarithatu\‫حارثة‬, oo
Jurham\‫ جرهم‬ayaa la jebiyay.
Dhasha Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, dagaalkaas kama ayan qayb gelin, oo laba
kooxood midna lama ayan safan.
Reer Xaarithatu\‫ حارثة‬waxay u dhasheen qabiilka la yiraahdo Khuzaacah\‫خزاعة‬, oo sidaas ayay
Khuzaacah\‫ خزاعة‬Boqornimada Makkah\‫ مكة‬ula wareegtay, ayna ayaga ugu wareegtay oo ay u
yeesheen Maamulidda Kacbada.
Khuzaacah\‫ خزاعة‬waxaa madax u ahaa ninka la yiraahdo Camr bin Luxayyi\‫عمرو بن لحي‬, kaasoo
intii Jurham\‫ جرهم‬ka hartay Makkah\‫ مكة‬ka eryay, oo ay beledyada ku firdheen.
Waxaana lagu salliday quraanyo iyo dhiig, intoodii u dambeyseyna waxay daadad ku
halaageen meesha la yiraahdo Idam\‫( إضم‬waa daad kor dhibic ku leh).
Qofkooda ugu dambeeyey oo dhintah waxay ahayd haweeney la arkay ayadoo Kacbada ku
dhawaafeysa, zaman kaddib markii Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬laga saaray.
Markaasey waxay la yaabeen dhererkeeda, ilaa uu mid dadkii ka mid ah ku yiri: "Ma haweeney
jinniyad ah ayaad tahay mase insiyad?"
Markaasey waxay tiri:
"Bal waxaan ahay insiyad Jurham\‫ جرهم‬u dhalatay", oo ay isla meeshaasba gabay hadalkoodaas
ka tirisay.
Markaaasey laba nin oo qabiilka Juhaynah\‫ جهينة‬u dhashay rati ka ijaaratay, oo intay ku
qaadeen ay ku geeyeen arliga Khaybar\‫خيبر‬. Markay ku dejiyeen meeshay u masawirtay, ayay
waxay weydiiyeen meeshay ceel iyo biyo ku yaalliin. Markaasey u tilmaantay meeshay biyuhu
ku sugnaayeen, ayaguna ay ka gaddoomeen oo ka tageen.
Mase waxaaba ayadii ku dheggan quraanyo oo intay saaqday sanka iyo indhaha ka gashay,
ayaduna ay hoogayeey leedahay. Markaasey quraanyadu dhuunteeda gashay, ay ayaduna
foolkeeda iyo wajigeeda hore ugu soo dhacday, ayna dhimatay.
Labadii nin oo Juhaynah\‫ جهينة‬u dhashay ceelkii ayay tageen, halkaas ayayna degeen. Sidaas
ayay degmada Juhaynah\‫ جهينة‬ee Xijaaz\‫ الحجاز‬iyo Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
ku aasaasantay. Juhaynana\‫ جهينة‬waxay ka tirsan tahay qabiilka Qudaacah\‫( قضاعة‬waa daad kor
dhibic ku leh, saadkana ku xigah), Qudaacana‫ قضاعة‬waxay degtaa miyiga Ciraaq\‫عراق‬."
Juhaynah\‫ جهينة‬waxaa ka mid ah qabiilka soomaaliyeed ee la yiraahdo “Duruqbo.
152
La wareegidda Khuzaacah\‫ خزاعة‬ee Maamulka Baytka
Jurham\‫ جرهم‬kaddib waxaa la wareegay Maamulka Kacbada qabiilka la yiraahdo Ghubshaan
bin Sulaym\‫ غبشان بن سليم‬oo ah jilib ka tirsan qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬.
Ghubshaan\‫ غبشان‬waxay hanteen Maamulka Kacbada xulafadooda reer Banii Bakr bin Cabdi
Manaat\‫ بني بكر بن عبد مناة‬sokadooda, oo xilkaas ayagaa fara maroorsaday. Xilkaas waxaa u
hayey ninka la yiraahdo Camr bin Caamir Al Ghubshaanii\‫عمرو بن عامر الغبشاني‬. Waxaa kaloo la
yiri inuu Qusayy bin Kilaab\‫قصي بن كالب‬, awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Ghubshaan bin Sulaym\‫ غبشان بن سليم‬furaha Kacbada sibraar
khamro ah ka siistay, taasoo noqotay maammaah loogu maahmaaho doqonnimada, oo waxaa la
yiraahdaa "akhsara min safqati Abii Ghubshaan\‫ "أخسر ين سفقة أبي غبشان‬siduu Al
Mascuudii\‫ المسعودي‬u xusay, macneheeduna yahay "ka khasaara badan ganacsiga
Ghubshaan\‫"غبشان‬.
Qariibnimada Al Xaarithu bin Mudaad\‫ الحارث بن مضاض‬ee Makkah\‫مكة‬
Markii Jurham\‫ جرهم‬Makkah laga saaray oo uu xukunkii gacanta Khuzaacah\‫ خزاعة‬galay, uuna
Boqor u ahaa Camr bin Luxayyi \‫عمرو بن لحي‬, ayuu Al Xaarith bin Mudaad bin Camr bin Sacd
Al Raqiib bin Hayya bin Nabat bin Jurham Al Jurhamiyyi ‫الحارث بن مضاض بن عمرو بن سعد الرقيب‬
\‫ بن هي بن نبت بن جرهم الجرهمي‬wuxuu degay meesha la yiraahdo Qanawnaa\‫ قنونا‬ee arliga Xijaaz
\‫ الحجاز‬ku taalla.
Markaasaa geel uu laha ka lumay. Markaasuu soo raadraacay isagoo raadinaya, ilaa uu raadkii
lasoo galay, isaguna uu soo galay Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬. Markaasuu inuu Makkah\‫ مكة‬galo
doonay, si uu geeliisa usoo ceshado.
Markaasuu Camr bin Luxayyi\‫ عمرو بن لحي‬wuxuu naadiyay oo uu yiri:
"Qofkii qof Jurham\‫ جرهم‬u dhashay hela oo aan dilin, gacantiisaan goynayaa."
Al Xaarithna naadadaas isaguna wuu maqlay. Markaasuu buur buuraha Makkah \‫ مكة‬ka mid
dusheeda fuulay, uuna arkay geelisii oo Makkah\‫ مكة‬lagu qalanayo, hilbihiisana dadka loo
qaybinayo. Halkaas ayuuna ka gaddoomay, isagoo quustay, baqayna oo dulleysan, arligana uu
ku libray. Waana qurbada Al Xaarith bin Mudaad\‫ الحارث بن مضاض‬oo maahmaahda noqotay.
Z a y d\‫زيد‬
Awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Zayd bin
Kilaab\‫زيد بن كالب‬.
Kilaab bin Murrah\‫ كالب بن مرة‬wuxuu guursaday haweeney la yiraahdo Faadhimatu bintu Sacd
bin Sayal\‫فاطمة بنت سعد بن سيل‬, oo u dhalatay reerka Al Jadarata\‫الجدرة‬, kana sii ah Jucthumatu
(waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Al Azd\‫ جعثمة األزد‬ee reer Yaman\‫ يمن‬ah, kuwaasoo axdi
la lahaa reer Banii Al Diil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah ‫بني الديل بن بكر بن عبد مناة بن‬
\‫كنانة‬.
153
Waxaa reerkeeda Al Jadarata\‫ الجدرة‬loogu bixiyay sababtaan: ninka la yiraahdo Caamir bin
Camr bin Jucthumatu\‫ عامر بن عمرو بن جعثمة‬ayaa wuxuu guursaday gabadha uu dhalay Al
Xaarithu bin Mudaad Al Jurhamii\‫الحارث بن مضاض الجرهمي‬, ayadoo uu markaas ama zamankaas
qabiilka Jurham\‫ جرهم‬Maamulka Kacbada gacanta ku hayo.
Markaasuu Kacbada darbi u dhisay. Markaasaa Caamir\‫ عامر‬dhisidda darbigaas loogu magac
daray oo la yiri Al Jaadiru\‫ الجادر‬oo macneheedu yahay midka darbiga dhisay, ubadkiisiina loo
bixiyay Al Jadarata\‫الجدرة‬, oo ah kuwii darbiga dhisay.
Faadhimatu\‫ فاطمة‬waxay Kilaab\‫ كالب‬u dhashay laba wiil oo kala ah Zayd bin Kilaab ‫زيد بن‬
\‫ كالب‬iyo Zuhratu bin Kilaab\‫زهرة بن كالب‬. Waxay kaloo u dhashay gabar la yiraahdo Nucam
bintu Kilaab\‫نعم بنت كالب‬, taasoo ah hooyada dhashay Sacd\‫ سعد‬iyo Sucayd\‫ سعيد‬labada wiil oo
uu dhalay Sahm bin Camr bin Husays (labaduba waa saad) bin Kac bin Lu'ayy ‫سهم بن عمرو بن‬
\‫هصيص بن كعب بن لؤي‬.
Zayd\‫ زيد‬waxaa waa dambe loo bixin doonaa Qusayy\‫قصي‬.
Zayd‫ زيد‬isagaa ka yaraa walaalkiis Zuhratu\‫( زهرة‬oo ah awoowaha labaad ee Aaminah bintu
Wahab bin Cabdi Manaaf bin Zuhrata\‫آمنة بنت وهب بن عبد مناف بن زهرة‬, Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiisa dhashay).
Kilaab\‫ كالب‬wuxuu dhintay isagoo Zayd‫ زيد‬markaas naaska laga gooyey, Zuhratuna\‫ زهرة‬uu
weyn yahay.
Kaddib Zayd‫ زيد‬hooyadiis, Faadhimatu\‫فاطمة‬, waxay guursatay ninka la yiraahdo Rabiicatu bin
Xaraam\‫ربيعة بنت حرام‬, oo geerida Kilaab\‫ كالب‬kaddib Makkah\‫ مكة‬yimid, una dhashay qabiilka
Carbeed ee Cuthratu (waa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah) bin Sacd bin Zayd bin
Qudaacah\‫( عذرة بن سعد بن زيد بن قضاعة‬waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah).
Markuu guursaday ayuu Faadhimatu\‫ فاطمة‬iyo wiilkeeda Zayd ‫ زيد‬arligiisa u qaatay, kaasoo
Shaam\‫ الشام‬ahaa.
Zayd‫ زيد‬walaalkiis Zuhratu bin Kilaab\‫ زهرة بن كالب‬wuxuu ku haray Makkah\‫مكة‬, oo ma uusan
raacin, oo adeerradiis ayay uga tagtay.
Faadhimatu\‫ فاطمة‬waxay ninkaas u dhashay wiil loo bixiyay Rizaax bin Rabiicah \‫رزاح بن ربيعة‬.
Halkaas ayuu Zayd‫ زيد‬ku koray, isagoo aan aabe kale oo aan Rabiicah\‫ ربيعة‬ahayn aqoon.
Sidoo kale Zayd‫ زيد‬ma uusa ogayn inuu walaal aan Rizaax\‫ رزاح‬ahayn leeyahay.
Markaasaa maalin isagoo wiil kuray ah, ayay waxay caytameen nin u dhashay qabiilka
Qudaacah\‫قضاعة‬. Markaasuu ninkaas Qudaacah\‫ قضاعة‬u dhashay, isagoo ku caayaya ayuu
wuxuu Zayd‫ زيد‬ku yiri:
"Annaga nagama aadan dhalan oo mulsaq\‫ ملسق‬nalagu soo lammaaniyay ayaad tahay."
154
Markaasuu Zayd‫ زيد‬ka aamusay, oo uu isagoo caraysan hooyadiis u yimid, kuna yiri:
"Ninka ree Qudaacah\‫ قضاعة‬wuxuu igu yiri inaanan ayaga ka dhalan oo aan sheegato ku ahay.
Marka, runta inaan ogaado ayaan doonayaa."
Hooyadiis waxay ku tiri:
"Wiilkeygow! ninku run ayuu sheegay, oo ayaga kama aadan dhalan, laakin tolkaa ayaa kiisa
ka khayr badan,oo adigu waxaad u dhalatay Quraysh\‫قريش‬, walaalkaa iyo adeerradaana waxay
joogaan Makkah\‫مكة‬, waxayna yihiin dariska Guriga Xurmada leh ee Ilaahay\‫بيت هللا الحرام‬."
Wuxuu yiri:
"Yaa i dhalay hooyooy, oo aabehey waa kuma?"
Waxay tiri:
"Adigu waxaad tahay ina Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr bin
Maalik bin Al Nadr (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Kinaanah ‫كالب بن مرة بن‬
\‫كعب بن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن النضر بن كنانة‬."
Wuxuu yiri:
"Tolkey ayaan ku biirayaa".
Hooyadiis waxay ku tiri:
"Maandhow ha degdegin, oo ha bixin jeerey bilaha xurmada leh soo galaan, oo aad markaas
dadka Carabta ah oo Xajka u socda raacdide, oo haddii kale waan kuu baqanayaaye."
Sidaas ayuu Zayd\‫ زيد‬yeelay, oo markay bilaha xurmada lihi soo galeen, ayuu wuxuu soo
raacay xujeyda reer Qudaacah\‫قضاعة‬. Qudaacah\‫ قضاعة‬waxaa la yiraahdaa odayga qabiilkaasi
ku abtirsado, magaciisuna waxaa weeye Camr\‫عمر‬. Luqad ahaanna Qudaaca\‫ قضاعة‬waxaa la
yiraahda eyga biyaha, waxaana kaloo la yiri waa dhagaxa gacan muuggiis ah, waxaa kaloo la
yiri waxaa ninkaas Qudaacah\‫ قضاعة‬loogu bixiyay isagoo tolkiis ka go'ay, oo inqadaca\‫ انقضع‬oo
ah waa ka go'ay.
Sidaas ayuu Zayd‫ زيد‬Makkah\‫ مكة‬ku yimid, una yimid walaalkiis Zuhratu\‫ زهرة‬iyo adeerradiis.
Q usayy\‫قصي‬
Markuu Makkah\‫ مكة‬yimid ayaa Zayd‫ زيد‬waxaa loo bixiyay Qusayy‫قصي‬, eraygaanoo ka yimid
qasiyyan‫( قصيا‬waa saad) oo ah midka beledkiisa ka fog, oo Shaam \‫ الشام‬oo hooyadiis geysey
Makkah\‫ مكة‬way ka fog tahay.
Markaasuu Qusayy‫ قصي‬wuxuu arkay wuxuu la yaabo, oo ah inuusan Maamulka Kacbadu
gacanta Quraysh\‫ قريش‬ku jirin, balse uu xilkaas hayo qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬.
Khuzaacana\‫ خزاعة‬waxaa dhalay Camr bin Caamir\‫عمرو بن عامر‬, oo ayagoo inta Yaman\‫يمن‬
kasoo guuray Shaam\‫ الشام‬u socda, ayay walaalohood ka leexdeen, waxayna uga hareen meesha
la yiraahdo Marra Al Thahraani\‫مر الظهران‬, halkaasoo ay degeen, Makkana\‫ مكة‬u jirta shan iyo
labaatan kiiloomitir, xagga Waqooyina ka xigta, kuna taalla Dariiqa Hijrada uu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Makkah \‫ مكة‬iyo Madiinah\‫ المدينة‬isku xirah.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu sanadka sideedaad ee Hijrada ku
degey Marra Al Thahraani\‫مر الظهران‬, markuu furashada Makkah\‫ مكة‬u socday, isagoo ay toban
155
kun oo asxaabtiisa ah ay la socdaan. Abuu Sufyaan bin Xarb\‫ أبوسفيان بن حرب‬ayaa maalintaas
bartaas ku islaamay, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ugu wariyay Xadiithkiisa afar kun iyo laba
boqol iyo sideetan. Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku degey waxaa laga
dhisay masjidka la yiraahdo Masjidu Al Fatxi\‫ مسجد الفتح‬markuu sanadku ahaa kun iyo saddex
boqol iyo toddoba iyo sagaashan. Masjidkaas cabbirkiisuna waa labaatan mitir oo dhinac ah
iyo shan iyo toban mitir oo dhanka kale ah, wadarta dhulka uu ku fadhiyana waa saaddex bqol
oo mitir oo wareegsan. Oo khazaca\‫ خزع‬waxaa weeye waa go'ay.
Qusayy‫ قصي‬wuxuu kaloo arkay inay ijaazaynta dadka xujayda ah loo ruqseeyo Maalinta
Carafo inay Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬u gaddoomaan, ayan ayaduna gacanta Quraysh\‫ قريش‬ku
jirine, balse uu xilkaas hayey ninka la yiraahdo Al Ghawthu (waa tha saddex dhibcood kor ku
leh) bin Murri bin Uddi bin Dhaabikhah bin Ilyaas bin Mudar ‫الغوث بن مر بن أد بن طابخة بن إلياس‬
\‫( بن مضر‬waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah), kaasoo isaga iyo dhashiisaba la oran
jiray Suufatu\‫( صوفية‬waa saad).
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay in Suufatu\‫ صوفة‬loogu bixiyay ayadoo Suufatu\‫ صوفة‬iyo
Suufaanu\‫ صوفان‬la yiraahdo cid kasta oo Maamulka Guriga qabatah aanse ehelkiisa ahayn, oo
Suufatu\‫ صوفة‬waxaa la yiraahdaa qof kasta oo u adeegidda Guriga wax ka qabta, ama
umuuraha Manaasikta Xajka, sababtuna waxay tahay ayagoo kuwaasi sida suufka oo kale
yihiin, oo uu ku jiro mid gaaban iyo mid dheer, mid madow iyo mid guduudan, ayagoo aan
qabiilo keligeed ka wada dhalan.
Sababta uu Al Ghawthu\‫ الغوث‬xilkaas ku helay waxay ahayd sidatan: hooyadiis waxay u
dhalatay Jurhum\‫ جرهم‬mana ayan dhali jirin. Markaasey waxay nathartay in hadday wiil dhasho
ay Kacbada ku sadaqeysaneyso, oo uu addoonkeeda noqonayo, una adeegayo, suufna \‫ صوف‬ay
madaxa uga xiri doonto. Markaasey Al Ghawthu\‫ الغوث‬dhashay, kaasoo inta hore oo idil ragga
reer abtigiis ah ee Jurham\‫ جرهم‬hawsha u adeegidda Kacbada la qaban jiray, kaddibna qabtay
xilka ijaaza bixinta Maalinta Carafo\‫ عرفة‬oo ah in dadka loo fasaxo inay Carafo ka
gaddoomaan oo ay Al Muzdalifatu\‫ المزدلفة‬u guuraan. Xilkaas wuxuu ku helay sarreynta
makaankuu ku helay u adeegidda Kacbada. Xilkaasna isagaa hayey, isaga dabadiisna
wiilashiisa ilaa ay ka cirib go'een.
Hooyadiis markay dhashay, ayay maro suuf ah madaxa uga xirtay, waxayna u goysey u
adeegidda Kacbada. Waxaa kaloo la yiri in Suufatu\‫ صوفة‬loogu bixiyay in markay wiilkaas
dhashay ayadoo natharkeedii oofineysa ay Kacbada ku xirtay, oo ay ugaba tagtay. Markaasey
kaddib soo martay, waxayna aragtay in intuu kulaylkii badnaa oo Makkah \‫ مكة‬ku dhacay, uu
suuxay oo uu dhulka ku dhacay, uuna kala daatay. Markaasey hooyadiis markay aragtay isagoo
sidaas ah ayay waxay tiri: "Wiilkeygii waxaan suuf ahayn ma uusan noqon."
Markaasaa Suufatu\‫ صوفة‬lagu magacaabay.
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬wuxuu yiri:
"Halkaas ayuu ka yimid erayga Suufinnimada, oo Suufi waxaa loogu bixiyay inuu u go'ay u
adeegidda Kacbada, siday suufiyiintuna ugu go'aan cibaadada Ilaahay, Cazza wa Jalla ‫هللا عز‬
\‫وجل‬."
156
Al Ghawthu bin Murrah\‫ الغوث بن مرة‬markuu xujayda Carafo\‫ عرفة‬kasoo gaddinayo, wuxuu
oran jiray:
‫لهم إني تابع تباعه \\ إن كان إثم فعلى قضاعة‬
"Laahumma innii taabicun tabaacahu
In kaana ithmun fa calaa Qudaacah
Tixda macneheedu waxaa weeye:
Ilaahayow anigu waxaa ku taaganahay raadka kuwii iga horreyey
Haduu dambi ku jiro waxaa leh Qudaacah\‫( قضاعة‬waana qabiilkiisa)
Suufatu\‫صوفة‬, sidoo kale, waxay ijaazada\‫ اإلجازة‬bixin jirtay marka Mina\‫ منى‬laga baxayo oo
Makkah\‫ مكة‬loo noqonayo.
Markaasaa marka Yawmu Al Nafri\‫ يوم النفر‬la gaaro, ayay usoo bixi jireen inay dhagaxda
tuuraan, oo ay saddexda Jamro tuuryeeyaan.
Waxaase jiray nin Suufatu\‫ صوفة‬ka mid ah ayaa dhagaxda marka hore isagu tuuri jirey, oo
dadku jeer uu isagu tuuro, ma ayan tuuri jirin. Markaasey dadka xaajooyinka lehi oo
degdegsan, intay u yimaadaan, ayay waxay ku yiraahdaan:
"Kacoo tuur, aan annaguna markaas kula tuurannee."
Markaasuu wuxuu yiraahdaa:
"Wa Allaahi\\‫ وهللا‬maya, jeer ay qorraxdu beerka samada ka iilato" (waana sida ay Shareecada
Islaamku qabto)."
Markaasey kuwa xaajooyinka leh oo degdegsan oo doonaya inay intay dhagaxda tuurtaan
Mina\‫ منى‬ka baxaan, isaga laftiisa dhagax ku tuuraan, oo ay kac oo tuur yiraahdaan, waxayna
ku yiraahdaan:
"Hoogee kac oo tuur".
Markaasuu isaguna ka diidaa.
Markaasuu markay qorraxdu qorrax u dhac u iilato, intuu kaco dhagaxda tuuraa, dadkuna intuu
la kaco ay ayaguna tuurtaan.
Marka dhagax tuurka la dhammeeyo, ayay raggi Suufada\‫ صوفة‬ahaa labada dhinac ee Al
Caqabah\‫( العقبة‬waa jiirta Al Caqabah\‫ )العقبة‬oo ay dadka halkaas ku celiyaan, ayagoo dadku uu
leeyahay:
"Suufay oggolaansho lagu baxo bixi".
Markaasuusan qofna bixi karin jeer ay Suufadu jiirta marto, oo markay ayagu maraan, ayaa
dadka intiisa kalena jiirta maraa, oo ay Mina\‫ منى‬ka baxaan.
Sidaas ayay Suufatu\‫ صوفة‬ku maamuli jirtay ilaa ay cirib go'een, waxaana dhaxlay kuwii ayaga
qaraabo ahaan ugu dhowaa xagga awoowaha, falkaasoo Al Qucdadu\‫ القعدد‬la yiraahdo,
kuwaasoo ahaa Banuu Sacd bin Zayd Manaat bin Tamiim\‫بنو سعد بن زيد منات بن تميم‬, gaar ahaan
qoyska Safwaan (waa saad) bin Janab bin Shijinata\‫ صفوان بن شجنة‬. Wuxuu ahaa markaas
157
Safwaan\‫ صفوان‬ninka Maalinta Carafo\‫ عرفة‬ijaazada bixin jiray, oo ah oggolaanshaha in
Carafo\‫ عرفة‬laga gaddoomo oo Al Muzdalifatu\‫ المزدلفة‬loo guuro.
Safwaan\‫ صفوان‬dabadiis wuxuu xilkaasi u wareegay dhashiisa, kuwaasoo uu ugu dambeeyey
ninka la yiraahdo Karibu bin Safwaan\‫كرب بن صفوان‬, oo uu Islaamku ugu soo galay.
Gaddoonka Muzdalifah\‫ المزدلفة‬laga guuro oo Mina\‫ منى‬loo guurana waxaa oggolaansheheeda
lahaa qoyska Cadwaan\‫عدوان‬. Cadwaan\‫ عدوان‬magaciisu waa Xurthaan bin Camr\‫ حرثان بن عمرو‬,
koofaartiisuna ahayd Thaa Al Isbac\‫( ذا اصبع‬waa saad), isagoo far ku tiillay iska gooyey, oo
isbac\‫ اصبع‬waa far. Xilkaas, isaga dabadiis, wiilashiisa ayaa kala dhaxli jiray, kooda ugu
dambeeyey oo uu Islaamku ugu soo galayna wuxuu ahaa Abuu Sayyaaratu Cumaylatu bin Al
Aczal\‫أبا سيارة عميلة بن األعزل‬, kaasoo dadka soo gaddoomin jiray isagoo saaran dameerad uu
lahaa oo madow oo cawir foolxun ah, oo la yiri afartan sano ayuu isagoo saaran ijaazada
bixiyay, hoogaankiisuna liif ahaa, ilaa ay halqabsi ka noqotay:
"Xattaaa yujiiza Saaliman ximaarahu\‫ "حتى يجيز سالم حماره‬oo macneheedu yahay "Jeer uu
nabadqabid dameerkiisu ku gudbo".
Qusayy\‫ قصي‬arrimahaas oo idilba uma uusan bogin, wuxuuna u arkay inay Qurayshi \‫ قريش‬cid
kasta uga xaq leedahay Maamulidda Guriga Xurmada leh ee Ilaahay\‫بيت هللا الحرام‬, iyo
hoggaaminta dadka Makkaba\‫مكة‬. Markaasuu wuxuu u tegey ninka madaxa u ahaa Maamulka
Kacbada, fureheedana hayey, magaciisuna ahaa Xulaylu ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin
Kacb bin Camr Al Khuzaacii\‫حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمرو الخزاعي‬, oo ahaa madax iyo
hoggaamiyaha qabiilka Khuzaacah\‫خزاعة‬, wuxuuna ku yiri:
"Anigu waxaan ahay Qusayy bin Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy ‫قصي بن كالب بن مرة‬
\‫"بن كعب بن لؤي‬, Xulaylna\‫ حليل‬wuxuu ku yiri: "Ahlan, oo ah ehelkaaga ayaad u timid, wiilka
ay kuwa kiraamta ahi dhaleenow, wa marxaban, oo ah meel waasac ah oo fidsan kusoo
dhowow", agtiisuuna meel uu fariisto uga banneeyey.
Qusayy markuu fariistay ayuu wuxuu Xulayl\‫ حليل‬ku yiri:
".‫"جئت أخطب ابنتك حبى‬
"Waxaan kuugu imid inaan gabadhaada Xubbaa\‫ حبى‬kaa doono."
Xulayl\‫ حليل‬warkaas wuu u bogay, gabadhiisa Xubbaa-na\‫ حبى‬intuu siiyay ayuuna u guuriyay.
Markaasey waxay u dhashay:
(1) Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬, iyo
(2) Cabda Al Ddaari\‫عبد الدار‬, iyo
(3) Cabdu Al Cuzzaa\‫عبد العزى‬, iyo
(4) Cabdi\‫عبد‬, iyo
(5) Abuu Camr\‫أبوعمرو‬, iyo
(6) Takhmur bintu Qusayy\‫تخمر بنت قصي‬, iyo
(7) Barratu bintu Qusayy\‫برة بنت قصي‬, iyo
(8) Tumaadar (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Qusayy\‫تماضر بنت قصي‬, iyo
(9) Qilaabatu bintu Qusayy\‫قالبة بنت قصي‬, iyo
158
(10) Xayyatu bintu Qusayy\‫حية بنت قصي‬, iyo
(11) Ummu Al Akhtham Haalatu bintu Qusayy\‫أم األخثم هالة بنت قصي‬, iyo
(12) Ummu Sufyaan bintu Qusayy\‫أم سفيان بنت قصي‬.
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu kaloo guursaday haweeney Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhalatay, waxayna u dhashay
gabar la yiraahdo:
(13) Raydhatu bintu Qusayy\‫ريطة بنت قصي‬.
Sidaas ayaa waxaa ku batay Qusayy\‫ قصي‬caruurtiisa iyo maalkiisaba iyo sharaftiisaba.
Xulayl\‫ خليل‬isagaa furaha Kacbada hayey, markuu bukoodana, ama uu da' wayni la itaal
darraado, wuxuu furaha u dhiibi jiray gabadhiisa Xubbaa\‫ حبى‬oo Kacbada furi jirtay. Hadday
ayadu xanuunsatana waxay furaha u dhiibi jirtay ninkeeda Qusayy\‫ قصي‬ama mid wiilasheeda
ka mid ah.
Xulayl\‫ حليل‬markuu arkay inay geeridii kusoo dhowaatay, uuna arkay Qusayy‫ \قصي‬iyo waxa
ubad ah oo ka farcamay, ayna gabadhiisa Xubbaa\‫ حبى‬u dhashay, ayuu wuxuu goostay inuu
Maamulka Guriga u dhiibo oo uu uga tago wiilasha ay gabadhiisu dhashay oo uu awoowaha u
yahay.
Markaasuu Qusayy\‫ قصي‬u yeeray oo uu furaha Kacbada u dhiibay. Kaddibna Xulayl\‫ حليل‬waa
dhintay.
Markuu Xulayl\‫ حليل‬dhintay, qabiilkiisii Khuzaacah\‫ خزاعة‬arrinkaas waa diiday, oo Qusayy
‫قصي‬ayay ka hor istaagtay inuu xilkaas qabto, furihii Kacbadana waxay ka qaateen
Xubbaa\‫حبى‬, oo gacanteedaba ka bixiyeen.
Kacdoonka Qusayy‫قصي‬
Qusayy‫ قصي‬wuxuu u arkay inuu isagu xilka Maamulka Kacbada iyo hoggaaminta Makkah \‫مكة‬
Khuzaacah\‫ خزاعة‬uga xaq leeyahay iyo Banii Bakr-ba\‫بني بكر‬, ayadoo ay Qurayshi\‫ قريش‬tahay
xulka iyo akhyaarta iyo dhuuxa ugu fiican ee dhasha Ismaaciil bin Ibraahiim ‫إسماعيل بن‬
‫إبراهيم‬, Calyhimussalaamu.
Markaasuu rag Quraysh\‫ قريش‬ah arrinkaas kala hadlay, iyo rag reer Banii Kinaanah \‫بني كنانة‬
ahba, kuwaasoo ku waafaqay. Kaddib wuxuu labadaas qabiilba ugu yeeray in Khuzaacah \‫خزاعة‬
iyo Banii Bakr\‫ بني بكر‬Makkah\‫ مكة‬laga saaro, ayaguna way ka yeeleen.
Markuu tolkiis oggolaanshaas ka helay, ayuu wuxuu warqad u dhigay walaalkiis ay isku
hooyada yihiin Rizaax bin Rabiicah\‫رزاح بن ربيعة‬, uuna uga codsanayo inuu usoo gurmado oo
uu u gargaaro, lana safto.
Markaasuu Rizaax\‫ رزاح‬soo baxay, isagoo ay la socdaan walaalihiis Xunna bin Rabiicah ‫حن بن‬
\‫ ربيعة‬iyo Maxmuud bin Rabiicah\‫ محمود بن ربيعة‬iyo Julhamatu bin Rabiicah\‫جلهمة بن ربيعة‬,
kuwaanoo ayan Qusayy‫ قصي‬hooyadiis Faadhimatu\‫ فاطمة‬dhaline, ay hooyo kale dhashay, ayna
159
la socdaan intii tolkooda Qudaacah\‫ قضاعة‬kasoo raacday oo xajka soo aaday, ayagoona soo
go'aansaday oo kusoo tashaday inay Qusayy‫ قصي‬u hiilliyaan.
Khuzaacah\‫ خزاعة‬waxay ku dooday inuu Xulayl bin Xubshiyyata\‫ حليل بن حبشية‬uu xilkaas
Qusayy‫ قصي‬ugala dardaarmay, uuna ku amray kaddib markay gabadhiisu ilmo badan u
dhashay, oo uu markaas ku yiri:
"Adigaa Khuzaacah\‫ خزاعة‬uga xaq leh xilka Maamulka Kacbada iyo hoggaaminta
Makkah\‫"مكة‬.
Markuu sidaas yiri ayuu Qusayy‫ قصي‬dalbaday xilkaas oo uu doonay inuu qaato. Sidaas ayay
Khuzaacah\‫ خزاعة‬tiri, warkaasoo aan cid aan ayaga ahayn laga maqal. Taasi waxaa weeye inuu
Xulayl\‫ حليل‬xilkaas u siiyay xididnimo ahaane, uusan Qusayy‫ قصي‬dhalasho ahaan ayaga uga
xaq lahayn, oo uusan ka mudnayn. Runtana Rabbi ayaa ogsoon.
Qusayy‫ قصي‬oo amarka Makka\‫ مكة‬ku adkaaday, Qurayshna\‫ قريش‬soo ururiyay iyo
taageerada ay Qudaacah\‫ قضاعة‬siisay
Marka xajkii sanadkaas la gaaray, ayay Suufatu\‫ صوفة‬waxay yeeli jirtay yeeshay, taasoo ay
Carabi u ogayd, diintoodana ka mid ahayd tan iyo intay Maamulka Kacbada iyo Xajka hayeen
Jurham\‫ جرهم‬iyo Khuzaacah\‫خزاعة‬.
Markaasaa Suufatu\‫ صوفة‬waxaa u yimid Qusayy bin Kilaab\‫قصي بن كالب‬, oo ay la socdaan
raggiisa tolkiisa Quraysh\‫ قريش‬iyo Kinaanah\‫ كنانة‬iyo Qudaacah\‫قضاعة‬, wuxuuna ugu yimid Al
Caqabah\‫العقبة‬, oo Minaa\‫ منى‬ah, wuxuuna ku yiri:
".‫"لنحن أولى بهذا منكم‬
Oo macnihiisu yahay:
"Arrinkaan annagaa idiinka xaq leh", oo ay la dagaallameen.
Markaasey labadii kooxood dagaal kharaar dagaallameen, kaddibna Suufatu\‫ صوفة‬ayaa la
jebiyay. Sidaas ayuu Qusayy\‫ قصي‬kula wareegay oo uu qabtay xilkay hayeen.
Markaasey Khuzaacah\‫ خزاعة‬iyo Banii Bakr\‫ بني بكر‬waxaa u caddaatay inuu Qusayy‫قصي‬
ayagana ku qabsan doono Maamulka Kacbada iyo hoggaanka Makkaba\‫مكة‬, siduu
Suufatu\‫ صوفة‬xilkay hayeen ugu qabsaday oo kale.
Markaasey Qusayy‫ قصي‬ka dhinac noqdeen, kana soo horjeesteen. Markaasuu Qusayy‫ قصي‬ku
bilaabay oo uu dagaal ku qaaday. Markaasey Khuzaacah \‫ خزاعة‬iyo Banuu Bakr\‫ بنوبكر‬usoo
bexeen, oo ay labadii kooxood dagaallameen, uuna dagaal xun dhex maray, dilkuna uu labada
dhinacba aad u batay.
Markaasey sulux\‫ صلح‬iyo heshiis isugu baaqeen, iyo inuu nin Carab ihi u kala gar qaado.
Waxay garsoore ka dhigteen ninka la yiraahdo Yacmar bin Cawf bin Kacb bin Caamir bin
160
Layth bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah ‫يعمر بن عوف بن كعب بن عامر بن ليث بن بكر بن عبد مناة‬
\‫بن كنانة‬. Garsoorahaasu wuxuu riday xukunka ah:
"Qusayy‫ قصي‬ayaa uga xaq leh Khuzaacah\‫ خزاعة‬Maamulka Kacbada iyo hoggaanka Makkah
\‫مكة‬, dhiig kasta oo uu Qusayy‫ قصي‬Khuzaacah\‫ خزاعة‬iyo Banii Bakr\‫ بني بكر‬ka daadiyayna waa
la buriyay oo labadeyda cagood hoostooda ayaan geliyay oo waa wax kama jiraan. Wixii dhiig
ah oo ay Khuzaacah\‫ خزاعة‬iyo Banii Bakr\‫ بني بكر‬Quraysh\‫ قريش‬iyo Kinaanah\‫ كنانة‬iyo
Qudaacah\‫ قضاعة‬ka gashayna diyo ayaa ku waajibtay in markiiba la bixiyo ah. Qusayy‫قصي‬
iyo Kacbada iyo Makkana\‫ مكة‬waa la isaga dhex baxayaa (oo isagaa leh weeye)".
Khuzaacah\‫خزاعة‬, siduu Al Azraqii\‫ األزرقي‬bogga boqol iyo labo ee juzka koowaad ee
kitaabkiisa Akhbaaru Makkah wa maa jaa'a fiihaa min al aathaari \‫أخبار مكة وما جاء فيها من اآلثار‬,
ku wariyay waxay Khuzaacah\‫ خزاعة‬Maamulka Baytka saddex boqol oo sano ay haysey.
Madaxtinnimada Qusayy\‫قصي‬
Markaasuu Qusayy‫ قصي‬wuxuu gacanta ku dhigay Maamulka Guriga iyo hoggaanka Makkah
\‫مكة‬, oo sidaas ayuu Boqor ku noqday, ayaguna ay u caleemo saareen, isagoo isla markaasna
Carab u qiray oo u daayey waxay ku joogeen, isagoo u arkay inay taasi Diin tahay, isaguna
uusan xaq u lahayn inuu wax ka beddelo. Sidaas ayuu ugu qiray oo uu u daayey xilalkay
hayeen Safwaan\‫ صفوان‬iyo Cadwaan\‫ عدوان‬iyo Al Nasa'ata\‫ النسأة‬iyo Murratu bin Cawf ‫مرة بن‬
\‫عوف‬, kuwaasoo xilalkaas hayey ilaa uu Islaamku ka yimaado, oo uu markaas Ilaahay
waxaasoo idil buriyay oo dumiyay.
Sidaas ayuu Qusayy wuxuu ku ahaa ninkii ugu horreeyey ee reer Bani Kacb bin Lu'ayy ‫بني كعب‬
\‫ بن لؤي‬oo hantay Boqornimo ay tolkiisu ku adheeceen.
Qusayy‫ قصي‬wuxuu bilaabay oo uu dhaliyay xilalka kala ah:
(Kow) Al Xijaabatu\‫الحجابة‬, iyo
(Laba) Al Siqaayatu\‫السقاية‬, iyo
(Saddex) Al Rifaadatu\‫الرفادة‬, iyo
(Afar) Al Nadwatu\‫الندوة‬, iyo
(Shan) Al Liwaa'u\‫اللواء‬.
Markaasuu markuu intaasba yeeshay ayuu madaxtinnimadii iyo sharaftii Makkaba \‫ مكة‬gacanta
ku dhigay oo uu hantay.
Markaasuu Quraysh\‫ قريش‬isku keenay oo uu dhulkii Makkah\‫ مكة‬u gooyey oo uu dejiyay. Tan
iyo maalintaas uu sidaas yeelayna, Makkah\‫ مكة‬guri keli ahna kama dhisneyn, oo aan ahayn
Kacbada\‫الكعبة‬, oo dadku maalintii markay Makkah\‫ مكة‬joogaan, markay qorraxdu dhacdo
makhribkii way ka bixi jireen,oo guryohoodu waxay ku yiilleen dibaddeeda.
Dadka Makkah\‫ مكة‬deggani waxay xattaa iska dhawreen oo ay ka fogaadeen oo ayan
xalaaleysan inay Xaramka hareerihiisa ay janaabo ku galaan, oo ay haweenkooda kula gogol
galaan.
161
Markaasuu Qusayy‫قصي‬, oo nin caqli badan ahaa, intuu Quraysh\‫ قريش‬shiriyey, ayuu wuxuu ku
yiri:
‫ فوهللا ال يستحل العرب قتالكم و ال يستطيعون إخراجكم‬،‫"أرى أن تصبجوا بأجمعكم في الحرم حول البيت‬
".‫منه و تسكنونه فتسودون العرب أبدا‬
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaan u arkaa inaad dhammaantiin Kacbada hareereheeda ku waabariisataan, oo wa Allaahi
‫ وهللا‬haddaad sidaas yeeshaan (oo aad Makkah\‫ مكة‬degtaan, Ilahayna aad dariskiisa noqotaan)
Carabi dagaalkiinna xalaaleysan meyso, Xaramkana idinkama saari karto, markaasaad intaad
dhexdeeda degtaan ayaad Carab madax u noqoneysaan ebedkiin."
Qurayshi\‫ قريش‬waxay ku tiri:
"Adigaa hoggaamiyeheenna ah, waxaad tiraado ayaanna yeeleynnaa".
Markaasuu inta uruuriyay ayay habeenkii Kacbada agteeda ku baryeen, oo uu waago ugu
baryay. Markaasaa waxaa subixii u timid madaxda reer Banii Kinaanah\‫بني كنانة‬, oo tiri:
"Waxaan aad fashay Carab agteeda waa wax weyn, haddaan annagu ku daynana, Carabi ku
dayn meyso."
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫"وهللا ال أخرج منه‬
Oo macnihiisu yahay:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan ka baxayn".
Halkaas ayuuna ku nagaaday, ilaa uu xajku soo galay. Markaasuu wuxuu ka baqday inay
Xujaydu ka hor yimaadaan oo diidaan wuxuu sameeyey. Markaasuu Quraysh \‫ قريش‬wuxuu ku
yiri:
‫ و ال أعلم مكرمة عند العرب أعظم من‬،‫"قد حضر الحج و قد سمعت العرب بما صنعتم و هم لكم معظمون‬
".‫الطعام فليخرج كل إنسان منكم من ماله خرجا‬
Oo mcnihiisu yahay:
"Waxaa soo galay Xajka, Carabna way maqashay waxaad fasheen, adinkuna waa la weyntihiin
oo ay idin weyneynayaan, mana ogi wax Carab agteeda karaameyn ugu weyn cunno siinta.
Marka nin walba oo idinka mid ihi maalkiisa wax ha kasoo bixiyo."
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬maal bixisay, isaguna uu maalkaas geel iyo muufo iyo caano iyo
zabiib kusoo gaday. Markaasuu markuu Xajku yimid uu geelii dariiqa Makkah\‫ مكة‬soo gala ku
qalay, Makkah\‫ مكة‬dhexdeedana uu daash ka sameeyey uu dhigay hilbihii iyo muufo maraq
lagu googooyey (oo thariid\‫ ثريد‬la yiraahdo).
162
Markaasey xujeydii kii doonana cunnada dariiqa taalla ka cunaa, kii doonana midda daashka
taalla.
Qusayy‫ قصي‬dadkiina wuxuu waraabiyay caano iyo biyo barkado harag ah ku jira. Xajku
wuxuu dhammaaday isagoo uusan qofna eray diidmo ah iyo ka hor imaad oran. Sidaas ayay
Quaryshi\‫ قريش‬degmadeeda Kacbada hareereheeda ah ugu nagaaday.
Markaasuu Quraysh\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬dejiyay. Waxaa la yiri inay Quraysh\‫ قريش‬la weynaatay
in dhulka Makkah\‫ مكة‬la googooyo oo la dhiso. Markaasuu Qusayy‫قصي‬, oo ay taageerayaan
kaaliyayaashiisu, uu gacantiisa dhulkii ku googooyey oo uu qoys walba dhul siiyay.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬waxay Qusayy‫ قصي‬u bixisay Mujammac\‫مجمع‬, oo ah Kulmiye,
isagoo Qurayshtii\‫ قريش‬arliga ku kala firirsanayd Makkah\‫ مكة‬ku kulmiyay oo dejiyay.
Markaasey markay guryohooda dhisanayeen، Qurayshi\‫ قريش‬waxay ka baqday goynta geedaha
Makkah\‫مكة‬. Markaaseyan geedka goyne, ayse guriga ku kor dhisaan, geedkuna uu guriga
dhexdiisa, waa deydkiise, ku jiraa. Sidaas inay yeelaanna waxaa ku amray Qusayy‫قصي‬.
Qofka ugu horreeyey oo geedka Makkah\‫ مكة‬gooya wuxuu ahaa Cabdu Allaahi bin Al Zzubayr
ibnu Al Cawwaamu\‫عبد هللا بن الزبير إبن العوام‬, Allaha raalli ka noqdee, markuu buurta Jabalu
Qucayqicaan\‫ جبل قعيقعان‬daaro ka dhistay, isagoo geed walba oo uu gooyeyna diyo ka bixiyay,
diyada geedkuna ay sac ahayd.
Sidoo kale waxaa la wariyay inuu Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab\‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬, llaahay raalli ka noqdee, markuu gooyey geed
wayn oo ku yiillay daarta Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\‫أسد بن عبد العزى‬, oo dadka Kacbada ku
dhawaafaya maryaha ka qabsan jiray, waana intaan Masjidka la waasacin, uu bixiyay sac
diyadiisa ah.
Imaam Al Shaaficina\‫األمام الشافعي‬, Allaha raalli ka noqdee, sidaas ayuu yiri, in geedka wayn
diyadiisu sac tahay.
Waxaa kaloo la wariyay inuu Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عبد هللا بن عمر بن‬
\‫الخطاب‬, isaga iyo aabihiisba Allaha raalli ka noqdee, ku aftooday inay diyada geedka \‫ مكة‬ay
xoraynta raqabad tahay, oo ah in addoon muslin ah la xoreeyo.
Imaam Maalik\‫ اإلمام مالك‬wuxuu yiri: "Diyo ma laha",oo wuxuu yiri "Xukunkaas wax nas ah
igama soo gaarin."
Rizaax bin Rabiicah\‫ رزاح بن ربيعة‬iyo walaalihiis iyo raggi Qudaacah\‫قضاعة‬, markay
Qusayy‫ قصي‬u gargaareen kaddib, isagiina uu libta helay, dalkooda ayay dib ugu laabteen.
Gabayo badan oo dheerdheerna Qusayy‫ قصي‬iyo Rizaax\‫ رزاح‬iyo ragga Qudaacaba\‫قضاعة‬
dhacdadaas ayay ka tiriyeen.
163
Markuu arligiisa ku xasilay, Ilaahay wuu tarmiyay Rizaax bin Rabiicah\‫رزاح بن ربيعة‬, waxaana
ka farcamay laba qabiilo oo la isku yiraahdo Cuthrata. Rizaax bin Rabiicah‫عذرة بن رزاح بن ربيعة‬
markuu arligiisa ku soo laabtay, waxay wax dhex mareen isaga iyo Nahdi bin Zayd \‫نهد بن زيد‬
iyo Xawtakatu bin Aslamu\‫حوتكة بن أسلم‬, oo ah laba jilib oo Qudaacah\‫ قضاعة‬ka tirsan.
Markaasuu cabsiiyey, ayaguna ay guureen oo ay Yaman\‫ يمن‬degeen, arliga Qudaacana\‫قضاعة‬
laga eryay.
Daaru Al Nadwati\‫دار الندوة‬
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu isaga laf ahaantiisa guri ahaan u dhistay Daaru Al Nadwati \‫دار الندوة‬,
irridda daartaasna wuxuu ku jeediyay Masjidka Kacbada.
Daartaas ayayna Qurayshi\‫ قريش‬umuureheeda oo idil ku goosan jirtay. Daartaas ayay Qurayshi
\‫ قريش‬isku nikaaxsan jirtay, iskuna guursan jirtay, ugana tashan jirtay amarka lasoo
gudboonaada. Calan dagaal meel aan ayada ahayn laguma gunti jirin. Gabdhuhu markay qaan
gaaraan daartiisaas ayaa inta la geeyo, oo cambuurkeeda la jeexo, ayaa jeexaas lagu xijaabi
jiray, oo wajiga loogu dabooli jiray, kaddibna reerkeeda loo celin jiray.
Sidaas ayuu Qusayy‫ قصي‬wuxuu Quraysh\‫ قريش‬dhexdeeda ku ahaa nin, intuu noolaa iyo
dhimashadiisa kaddibba, sida Diinta oo kale loo hoggaansan yahay.
Eragayga Al Nadwatu\‫ الندوة‬wuxuu ka yimid Al Nadiyyu\‫الندي‬, kaasoo ah majliska ragga oo
yanduuna xawlahu\‫ يندون حوله‬oo ah yath-habuuna qariiban minhu thumma yarjicuuna
ilayhi\‫يذهبون قريبا منه ثم يرجعون إليه‬, oo macneheedu yahay: waa majliska ay ka tegayaan oo ay
aadayaan meel u dhow oo aan ka fogayn, kaddibna ay usoo noqonayaan.
Erayga Naadi halkaas ayuu ka yimid.
Daartaasi waxay mar dambe usoo wareegtay o yeeshay reer Banii Cabda Al Ddaari bin
Qusayy\‫بني عبد الدار بن قصي‬. Waa dambena waxay usoo wareegtay saxaabiga la yiraahdo Xakiim
bin Xizaam bin Khuwaylid bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy ‫حكيم بن حزام بن خويلد بن عبد العزى بن‬
\‫ قصي‬oo ay Ummu Al Mu'miniin haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Khadiijatu bintu Khuwaylid\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬eedadiis aabihiis la
dhalatay tahay.
Markaasuu Xakiim\‫ حكيم‬Islaamka dhexdiisa wuxuu daartaas isaga sii iibiyay boqol kun oo
Dirham, zamankii Mucaawiyah\‫معاوية‬. Markaasuu Mucaawiyah\‫ معاوية‬iibinta daartaas ku
eedeeyey oo uu ku yiri:
"Ma waxaad iibisay aabayaalkaa wixii lagu karaameeyey iyo sharaftoodii iyo
madaxtinnimadooda?"
Markaasuu Xakiim wuxuu yiri:
"Karaamooyinkii way tageen oo bureen intaan taqwada Ilaahay ahayn. Wa Allaahi\‫وهللا‬
waxaan daartaas kusoo gatay oo ay igu soo gashay sibraar khamro ah, hadana waxaan ku sii
iibiyay boqol kun oo Dirham, waxaanna marag idiinka dhiganayaa inaan lacagtaas jidka
Ilaahay u sadaqeeyey. Marka keebaa la dagay?"
Waxaa kaloo Xadiithkaan wariyay Al Daarqudhniyyu \‫الدارقطني‬.
164
Daartaani waa daarta ay Qurayshi\‫ قريش‬ku shirtay, kuna go'aansatay inay Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, disho, siduu Cazza wa Jalla\‫عزوجل‬, noogu sheegay
Aayadda soddonaad ee Suuratul Anfaal\‫سورة األنفال‬:
ِ
َِّ
َّ َّ
)31( ‫ين‬
َ ‫وك أ َْو ُي ْخ ِرُجو‬
َ ُ‫وك أ َْو َي ْقتُل‬
َ ُ‫ين َكفَُروا لُِيثْبِت‬
َ ‫ون َوَي ْم ُك ُر اللهُ َواللهُ َخ ْي ُر اْل َماك ِر‬
َ ‫ك َوَي ْم ُك ُر‬
َ ‫َوِا ْذ َي ْم ُك ُر بِ َك الذ‬
"Wa ith yamkuru bika allathiina kafaruu li yuthbituuka aw yaqtuluuka aw yukhrijuuka
wa yamkuruuna wa yamkuru Allaahu wa Allaahu Khayru Al Maakiriina(30)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen kuwii gaaloobay inay ku xabbisaan, ama ay ku
dilaan ama ay ku bixiyaan (Makkaah\‫ مكة‬kaa musaafiriyaan), way ku dhakrayeen, Ilaahayse
ayaa ka abaal marinaya, Isagaana inta abaal marisa ugu khayr roon(30)."
Markay gaaladu qorshahaas samaysatay ayaa Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, Nabigiisa
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku amray inuu Makkah\‫ مكة‬ka baxo oo uu Al
Madiinata Al Munawwarati\‫ المدينة المنورة‬u haajaro. Qisadaan oo tifaftiranna waxay nagu soo
mari doontaa, Inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, Siirada, marka meesheeda la gaaro.
Daarataan waxaa mar kusoo degay waqtigii Khilaafadiisa, Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs
Cumar bin Al Khafh-dhaab\‫أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee.
Waxaana daartaas ku soo degi jiray bilawga Islaamka Khulafada iyo Amiirrada.
Al Muctadid Al Cabbaasii\‫ المعتضد العباسي‬intuu hoggaanka hayey ayuu inta daartaas dumiyay
wuxuu dhulkeedii ku daray oo uu ku ballaariyay Al Masjidu Al Xaraamu \‫المسجد الحرام‬, markuu
sanadku ahaa laba boqol iyo afar iyo sideetan Hijrada, una dhigantay sideed boqol iyo toddoba
iyo sagaashan Miilaadiga. Dhulka uu daartaasi ku fadhiyay wuxuu ahaa lix iyo soddon mitir oo
dhinac ah iyo toddoba iyo soddon mitir oo dhanka kale ah oo wadartoodu tahay kun iyo saddex
boqol iyo labo iyo soddon mitir oo wareegsan.
Daartaasi waxay hadda ka mid tahay Madhaafka\‫ المطاف‬lagu socdo marka Kacbada lagu
dhawaafayo, waxayna Kacbada ka xigtaa xaqqa Waqooyi/Galbeed, meel ku beegan Albaabka
ayada lagu sammiyay oo ah Baabu Al Nadwati\‫باب الندوة‬.
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu daartaas dhisay qiyaas boqol iyo toddoba iyo afartan sano dhalashada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, horteed.
Amarka Al Rifaadatu\‫الرفادة‬
Al Ridaadatu\‫ الرفادة‬wuxuu ahaa maal ay Quraysh\‫ قريش‬iska soo aruurin jirtay muusinka Xaj
walba, ayna u dhiibi jirtay Qusayy bin Kilaab\‫قصي بن كالب‬. Markaasuu Qusayy‫ قصي‬maalkaas
cunno xujayda dan yarta ah oo aan saadka wadan ugu sameyn jiray.
165
Amarka Al Rifaadatu\‫ الرفادة‬wuxuu ahaa amar uu Qusayy‫ قصي‬Quraysh\‫ قريش‬kusoo rogay, uuna
yiri:
‫ وهم أحق‬،‫ وإن الحاج ضيف هللا وزوار بيته‬،‫ وأهل الحرم‬،‫ وأهل بيته‬،‫ إنكم جيران هللا‬،‫"يا معشر قريش‬
".‫ حتى يصدروا عنكم‬،‫ فاجعلوا لهم طعاما وشرابا أيام الحج‬،‫الضيف بالكرامة‬
Oo macnihiisu yahay:
"Quraysh\‫قريش‬, adinku waxaad tihiin dariska Ilaahay iyo ehelka Baytkiisa‫ وأهل بيته‬iyo
ehelka Xaramka‫ وأهل الحرم‬, xaajiguna waa martida Ilaahay Gurigiisa\‫ بيت هللا‬soo booqday,
ayagaana ugu xaq badan marti la karaameeyo. Marka cunno u sameeya iyo cabid maalmaha
Xajka, ilaa ay idinka gaddoomaan."
Markaasey yeeleen, oo ay sanad walba maalkooda wax ka bixin jireen, Qusayyna \‫ قصي‬ay u
dhiibi jireen. Markaasuu maalmaha Mina\‫ منى‬cunno ugu samayn jiray. Sidaas ayayna zamankii
jaahiliyada ahayd, ilaa uu Islaamku ka yimaado.
Islaamkuna wuu sii waday, waana cunnada iyo cabidda la isi siiyo ilaa uu Xajku ka
dhammaado. Waana cunnada iyo cabidda gaadiidka saaraan oo laga bilaabo marka Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬dariiqeeda lagu soo dhoco, ama Jeddah\‫ جدة‬laga soo
bilaabo, Mina, Carafaat\‫عرفة‬, Muzdalifah\‫ المزدلفة‬iyo dariiq walba xujayda lagu siiyo.
Qusayy‫ قصي‬oo Kacbada dhisay
Qusayy‫ قصي‬wuxuu u arkay in dib loo cusbooneysiiyo dhismaha Kacbada, dadkuse arrinkaas
wuu ka baqday, isagusa cabsi la'aan ayuu hawshaas ugu dhaqaaqay. Marka hore dhismihii
ayuu dumiyay, kaddibna qawaaciddii ama aasaaskii Ibraahiim \‫ إبراهيم‬ayuu kor u qaaday oo uu
ku dul dhisay. Isagoo dhismihii wada ayaa waqtigii Xajku soo galay.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬ka baqday in dadku caroodo. Qusayy‫ قصي‬arrinkaas shaki kama
gelin, ee Kacbaduu wuxuu ku wareejiyay daar alwaax ah oo xargo iskula xirxiray, oo
xujayduna ay daartaas alwaaxda ah oo Kacbada ku wareegsan ku dhawaafeen. Cid wax diidmo
ama mucaaradnimo la timidna ma jirin.
Markay xujaydu dalalkooda dib ugu laabteen, xajkiina uu dhammaaday, ayuu Qusayy ‫قصي‬
dhismaha Kacbada meesheedii kasii waday, ilaa uu ka dhammaystiro. Wuxuu kaloo Kacbada u
yeelay saqaf ka sameysan laamaha geedka timirta oo caleentii laga qaaday iyo qoriga geedka
Dawm\‫ الدوم‬la yiraahdo.
Deeqday Makkata Al Mukarramati \‫ مكة المكرمة‬arliga intiisa kale dheertahay
Makkah\‫ مكة‬waxay ku taalla gobolka jaziiradda Carabta ee la yiraahdo Xijaaz\‫الحجاز‬, waxayna
uga taallaa bartamaha waadi ay dhinac walba buuro uga hareereysan yihiin, oo ay sida
dugaagad ugu wareegsan yihiin.
166
Dhulkeeda inta siman waxaa la yiraahdaa Al Badhaxaa'u\‫البطحاء‬. Inta Al Masjidu Al Xaraami
\‫ المسجد الحرام‬qorrax kasoo bax ka xigtana waxaa la yiraahdaa Al Mucallaatu\‫المعالة‬, halkaasoo
uu guriga uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhashay ku yaallo.
Xaafaddaas ayuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, degganaa ilaa uu ka haajaro. Markuu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬kusoo noqdayna, maalintuu
Ilaahay u furay ee Fatxu Makkah\‫فتح مكة‬, ayaduu kasoo galay.
Inta Masjidu Al Xaraami\‫ المسجد الحرام\ المسجد الحرام‬qorrax u dhac iyo Galbeed ka xigtana
waxaa la yiraahdaa Al Misfilatu\‫المسفلة‬.
Makkah\‫ مكة‬waxay leedahay saddex darriq oo waaweyn oo laga soo galo, oo kala ah:
Kow. Al Mucallaatu\‫المعالة‬, loona yaqaan oo kale Al Xajuun\‫الحجون‬, kaasoo ah buurta ay ku
yaalliin xabaalaha la yiraahdo Maqbaratu Al Mucallaati\‫مقبرة المعالة‬, oo uga taalla buurtaas
salkeeda Koofur-Galbeed. Bartaasna waxay magaca ka qaadatay buurtaas.
Labo. Al Misfalatu\‫المسفلة‬.
Saddex. Al Shabiikatu\‫الشبيكة‬.
Makkah\‫ مكة‬waxay badda ka korreysaa saddex boqol oo mitir, waana bartamaha iyo bar
dhexaadka iyo xuddunta arliga oo idil. Adduunka intiisa kale waxay dheertahay waxaa ka mid
ah:
1. Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ayaa ayada u doortay in Gurigiisa laga dhiso.
2. Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ayaa ayada u doortay inuu ku dhasho Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah midka Anbiyada iyo Rususha Ilaahay lagu
guunaanaday.
3. Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ayaa ayada u doortay inuu kasoo saaro Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna Jinniga iyo Insigaba u diray, oo uu Rasuulkiisa noqdo.
4.Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ayaa wuxuu Makkah\‫ مكة‬ka yeelay meel addoomadiisu ku
gutaan Manaasikta Xajka\‫ الحج‬iyo Cumrada\‫العمرة‬.
5. Wuxuu Subxaanahu wa Tacaalaa\‫سبحانه وتعالى‬, addoommadiisa waajib uga dhigay inay
yimaadaan, ugana yimaadaan meeshay ku nool yihiin, ha faagaato ama ha dhowaatee, ayna soo
galaan ayagoo Isaga isku dulleynaya, u khushuucaya iskana soo siibay oo dhigay dharkey
adduunkaan ku labbistaan.
6. Wuxuu Cazza wa Jalla‫ هللا عزوجل‬Makkah\‫ مكة‬ka dhigay Xaram aamin\‫ حرما آمنا‬ah oo aan
dhiig lagu daadin, oo Xaram\‫ حرم‬macnihiisu waxaa weeye xurmo ayuu leeyahay oo wax xun
oo dhan gudihiisa waa ka xaaraan.
7. Wixii dhulkeeda laga helo, waxay doonaan ha ahaadaane, lama qaadan karo si loo yeesho oo
loo milkiyo, jeer la naadiyo, sidaan u arki doonno, haddii Alle idmo.
8. Imaatinkeeda iyo usoo qasdiddeeda waxaa Ilaahay kafaaro gud uga dhigaa oo uu ku dhaafaa
dambiyada imaatinkaas ka horreeyey.
9. Waa barta keli ah oo adduunkaan ku taalla oo qofkii kara ay waajib ku tahay inuu yimaado
oo meel kale oo ayada ahayn tegiddeedu waajib ma aha.
10. Ilaahay wuxuu sharciyeeyey ku dhawaafidda Guriga dhexdeeda ku yaalla, oo ah Kacbada,
oo guri lagu dhawaafo meel aan ayada ahayn kuma yaallo.
167
11. Arliga oo idil kuma yaallo meel aan ayada ahayn wax la sharciyeeyey dhunkashadiisa iyo
taabashadiisa oo aan ahayn Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo Al Ruknu Al Yamaanii ‫الركن‬
\‫اليماني‬.
12. Ilaahay wuxuu Quraanka dhexdiisa Makkah\‫ مكة‬ku dhaartay laba goor.
13. Al Masjidu Al Xaraamu\‫ المسجد الحرام‬oo Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda ku yaalla ajarka Salaadda
boqol kun iyo ka badan ayaa la laablaabaa.
Ibnu Xajar Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬wuxuu sharaxiisa Manaasiku Al Xajji ‫اإليضاح في مناسك‬
\‫ الحج‬ee Imaam Al Nawawii\‫اإلمام النووي‬, bogga afar boqol iyo labo iyo soddon ku yiri:
"qaarkood waxay yiraahdeen in hal Salaad oo jamaaco Al Masjidu Al Xaraamu \‫المسجد الحرام‬
lagu tukado ay thawaabteedu ka badantahay thawaabta Salaadda uu qofku beledkiisa keligiis
ku tukado in le'eg cumriga Nabi Nuux\‫ نوح‬laba jibaarkiisa, Nabigeenna iyo isaga iyo Anbiyada
kaleba Calayhimussalaatu Wassalaamu." Nabi Nuuxna wuxuu Rasuul ahaa kun sano oo konton
sano dhimman, cimrigiisuna intaas waaba ka badnaa. Marka waa cimrigiisa laba jibaarkeeda,
oo ah qiyaas laba kun oo sano qof tukanayey ajarka uu leeyahay, oo ay hal Salaad oo jamaaco
Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬loogu tukado leedahay.
Al Naqaashna\‫ النقاش‬wuxuu yiri: "Waxaan xisaabay ajarka hal Salaad oo Al Masjidu Al
Xaraamu\‫ المسجد الحرام‬lagu tukado waxayna gaartay Salaadaha uu tukaday qof cumrigiisu
konton iyo shan sano iyo lix bilood iyo labaatan habeen yahay." Runtana Rabbi ayaa og.
14. Makkah\‫ مكة‬waxaa ku yaalla Qiblada dadka arliga deggan oo dhan.
15. Waxaa reeban in xaggeeda loo soo jeesto marka xaajada loo fadhiyo, ama dabadaba loo
jeediyo. Waana marka meel bannaan la fadhiyo.
16. Makkah\‫ مكة‬qofkii xumaan la doona oo inuu dhexdeeda ku sameeya doona, waa lagu
ciqaabaa, yuusan camaalkaas ku kicinbe, oo doonidda ayaa ciqaabta lagu mutaystaa.
17. Xumaanta dhexdeeda lagu sameeyo ciqaabteeda waa la laablaabaa, ayadoo xumaanta
Xaramka Ilaahay\‫ حرم هللا‬lagu sameeyo ay ka weyntahay xumaanta arliga intiisa kale lagu
sameeyo.
18. Makkah\‫ مكة‬waxay quluubta dadka usoo jiidataa si ka xoog badan sida uu maqnaadhiisku
birta usoo jiito.
19. Booqashadeeda lagama dhergo, oo la iskama daayo, oo intay qofka booqashadiisu
badataba, jeceylkuu u qabo iyo hilowga uu u hiloobayo way sii kordhaan.
20. Waxaa Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda ku yaalla meelo ducada lagu ducaysto la aqbalo, oo ay ka
mid yihiin: Al Multazamu\‫الملتزم‬, Al Miizaabu\‫ الميزاب‬hoostiisa, Kacbada gudeheeda,, Ceelka
Zamzam\‫ زمزم‬agtiisa,, Jabalu Al Saffaa\‫ جبل الصفا‬dushiisa, Jabalu Al Marwata\‫جبل المروة‬
dusheeda, inta Sacyiga\‫ السعي‬lagu jiro, Maqaamu Ibraahiimu\‫ مقام إبراهيم‬gadaashiisa.
21. Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda waxaa lagu faydaa oo lagu qaadaa kurbada.
22. Waxaa xaaraan ah in dhexdeeda hub lagu qaato.
23. Waxaa xaaraan ka ah inuu gaal soo galo.
24. Makkah\‫ مكة‬waxaa ilaaliya Malaa'ig oo Al Dajjaalu\‫ الدجال‬sooma geli karo..
Waxaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu yiri, isagoo
taagan meesha la oran jiray Al Xazwaratu\‫الحزورة‬, oo suuqa Makkah\‫ مكة‬ahaan jirtay, kuna
tiillay bannaanka guriga Ummu Haani' bintu Abii Dhaalib\‫أم هانئ بنت أبي طالب‬, Allaha raalli
ka noqdee, hortiisa ahaa, ahaydna barta kuwa dharka tola, oo intaba waa hore inta la dumiyay
lasoo dhex geliyay oo ay ka mid noqdeen Al Masjidu Al Xaraamu\‫المسجد الحرام‬:
".‫ ولو ال أني أخرجت منك ما خرجت‬،‫"وهللا إنك لخير أرض هللا وأحب أرض هللا إلى هللا‬
168
"Wa Allaahi innaki la khayra ardi Allaahi wa axabba ardi Allaahi ilaa Allaahi, wa law
laa annii ukhrijtu minki maa kharajtu".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬adigu (waa Makkah\‫ )مكة‬waxaad tahay midda arliga Ilaahay ugu khayr badan
iyo midda uu Ilaahay ugu jecelyahay arliga Ilaahay, oo haddaan la iga kaa saari lahayn, kaama
baxeen."
Waa Xadiithka saddex kun iyo sagaal boqol iyo shan iyo labaatan ee uu wariyay Al
Tarmithii‫الترمذي‬, Axmadna\‫ أحمد‬waa wariyay.
Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ ولو ال أن قومي أخرجوني منك ما سكنت غيرك‬،‫"ما أطيبك من بلد وأحب إلي‬
"Maa adhyabaki min baladin wa axabba ilayya, wa law laa anna qawmii akhrajuunii
minki maa sakantu ghayriki."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma jiro beled kaa fiican aanna kaa jeclahay, haddayan qawmkeyguu iga kaa saari lahaynna,
meel aan adiga ahayn ma degeen."
Waana Xadiithka saddex kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo labaatan ee Al Tarmithii\‫الترمذي‬.
Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ ولو ال أن أهلك أخرجوني ما‬،‫"أما وهللا ألخرج منك وإني ألعلم أنك أحب بالد هللا إلي وأكرمه على هللا‬
".‫خرجت‬
"Amaa wa Allaahi la akhruju minki wa innii la aclamu annaki axabbu bilaadi Allaahi
ilayya wa akramuhu calaa Allaahi, wa law laa anna ahlaki akhrajuunii maa kharajtu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan kaa baxayaa anigoo u cilmi leh inaad tahay beledka aan ugu jeclahay
arliga Ilaahay, iyo midka Ilaahay korkiisa ugu karaamo badan. Hadduusan ehelkaagu i saarin
ma bixi lahayn."
Waxaa wariyay Majmacu Al Zawaa'idi\‫ مجمع الزوائد‬mujalladka saddexaad bogga laba boqol
saddex iyo toddobaatan.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Makkah \‫ مكة‬furtayna wuxuu
yiri:
‫ ال يعضد‬،‫"إن هذا البلد حرمه هللا يوم خلق السماوات و األرض فهو حرام بحرمة هللا إلى يوم القيامة‬
".‫شوكه و ال ينفر صيده و ال يلتقط لقطته إال من عرفها و ال يختلى خاله‬
"Inna haatha al balada xarramahu Allaahu yawma khalaqa Al Ssamaawaati wa al arda
fa huwa xaraamun bi xurmati Allaahi ilaa yawmi al qiyaamati, laa yucdadu (waa daad
169
dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) shawkahu wa laa yunaffaro saydahu (waa saad) wa laa
yultaqadhu luqadhatahu illaa man carrafahaa wa laa yukhtalaa khalaahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Beledkaan wuxuu Ilaahay xaaraantimeeyey maalintuu Samaawaadka iyo arliga abuuray,
marka sidaas ayuu xaaraan ku yahay, siduu Ilaahay u xaaraantimeeyey ilaa yawmul
qiyaamaha. Qodaxdiisa lama jebin karo, ugaartiisana lama didin karo (oo inta harkay joogeen
laga kiciyo lama fariisan karo meeshoodii), baadidiisa dhulka laga helana ma uu qaadan karo
qof naadiya mooye (oo waa inuu sanad naadiyo oo uu cod dheer ku naadiyo, markaas kaddib
hal sano hadday cidnay sheegan weydo ayuu isagu milkinayaa oo yeelanayaa, sidaas ayuu Al
Shaafici\‫ الشافعي‬u fasiray, Al Nawawina\‫ النووي‬uu Sharxu Muslim\‫ شرح صحيح مسلم‬Xadiithka
kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo konton oo Xadiithkaan ah u fasiray. Qofkaan naadinna
ebedkiis ma yeelan karo), cawskiisa qoyanna lama goyn karo."
Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ ليس له من نقابها نقب إال عليه المالئكة صافين‬،‫"ليس من بلد إلى سيوطئه الدجال إال مكة والمدينة‬
".‫يحرسونها‬
"Laysa min baladin illaa sa yudhaa'wiuhu al Dajjaalu illaa Makkata wa Al Madiinata,
laysa lahu min niqaabihaa naqabun illaa calayhi al malaa'ikatu saaffiina
yaxrisuunahaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma jiro beled ee waase kan uu illaa Al Dajjaalu\‫ الدجال‬cagta mariyo intaan Makkata\‫ مكة‬iyo Al
Madiinata\‫ المدينة‬ahayn, oo ma jiro dariiqa laba buurood dhex maraba (ee labadooda) ee waa kii
ay malaaigu saffan tahay oo ay ilaalineyso."
Waa Xadiithka kun iyo sideed boqol iyo kow iyo sideetan ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ ثم انتظر أهل مكة‬،‫ ثم آتي أهل البقيع فيحشرون معي‬،‫ ثم عمر‬،‫ ثم أبوبكر‬،‫"أنا أول من تشق عنه األرض‬
".‫فأحشر بين الحرمين‬
"Anaa awwalu man tashaqqu canhu al ardu, thumma Abuu Bakar, thumma Cumar,
thumma aatii ahla Al Baqiici fa yuxsharuuna macii, thumma antathiru ahla Makkata fa
uxsharo bayna Al Xaramayni."
Xaddithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan ahay midka ugu horreeya oo arligu ka dillaacayo (oo intuu qabrigiisu dillaaco
maalinta qiyaame qabriga kasoo baxaya), kaddibna Abuu Bakar\‫أبوبكر‬, kaddibna Cumar\‫ عمر‬,
markaasaan waxaan u imaanayaa dadka (xabaalaha Al Madiinah\‫ )المدينة‬Al Baqiic\‫البقيع‬,
kuwaasoo aniga la ila soo xashirinayo (la keenayo meesha dadka lagu kulminayo ayagoo aniga
ila socda), kaddibna waxaan sugayaa dadka Makkata\‫مكة‬, markaasaa waxaa la i istaajinayaa (la
igu xashirinayaa) labada Xaram dhexdooda."
Waa Xadiithka saddex kun iyo lix boqol iyo laba iyo sagaashan ee Al Tarmathii\‫الترمذي‬.
170
Magacda Makkata Al Mukarramati\‫مكة الكمرمة‬
Makkah\‫ مكة‬waxay leedahay magac fara badan, qaarkoodna uu Ilaahay Quraanka Kariimka ah
ku dhex magacaabay. Magacdaasna waxaa ka mid ah:
Kow. Makkata\‫مكة‬. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, Aayadda afar iyo labaatan ee
Suuratul Fatxi ku yiri:
َّ ‫و ُهو الَِّذي َك‬
‫ط ِن‬
ْ ‫ف أ َْيِد َيهُ ْم َع ْن ُك ْم َوأ َْيِد َي ُك ْم َع ْنهُ ْم بَِب‬
َ َ
"Wa huwa Allathii Kaffa Aydiyahum cankum (waa gaaladii Makkah, markuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaladii Makkah\‫ مكة‬Sulxigii Al Xudaybiyyah\‫ صلح الحديبية‬la
saxiixday) wa aydiyakum canhum bibadhni Makkata(24)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay waa kan ayaga gacnohooda idinka reebay, adinka gacnihiinana ayaga ka reebay
markaad Makkata uurkeeda joogtdeen(24)."
Makkata\‫ مكة‬macneheedu waxaa weeye waa halaagay, uuna dhimay. Waxaa Makkah \‫ مكة‬loogu
bixiyay ayadoo dambiyada dhinta, baa'bisana; ama inay halaagto qofkii dhexdeeda thulmi \‫ظلم‬
ku fala; ama ayadoo Boqorrada xun iyo kuwa jabbaariinta ah halaagta, xooggoodana la tagta;
ama ayadoo dadka soo jiidata, oo Carabtu waxay tiraahdaa imtaka al fasiilu (waa saad) darca
(waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) ummihi ithaa imtassahu ‫إمتك الفصيل ضرع أمه إذا‬
\‫( إمتصه‬waa saad) oo macneheedu yahay: "cunuuggu wuu mariyaa naaska hooyadiis markuu
nuugo."
Labo. Bakkata\‫بكة‬. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, Aaydda lix iyo sagaashanaad ee
Suuratu Aali Cimraan\‫ آل عمران‬ku yiri:
ِ ِ
َِّ ِ ‫ضع لِ َّلن‬
ِ ٍ
ِ
)96( ‫ين‬
َ ‫اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم‬
َ ‫إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو‬
"Inna awwala Baytin wudica li al nnaasi lallathii biBakkata mubaarakan wa hudan li al
caalamiina(96)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyay dadka waa kan Bakkata\‫ بكة‬ku yaalla, oo barakaysan,
caalamiintana hanuun u ah(96)".
Bakkahu\‫ بكه‬macneheedu waxaa weeye: wuu jeexjeexay, wuu kala firdhiyay, wuu buriyay,
itaalkiisa ayuu tuuray, dhulkuu dhigay, luquntuu ku dhuftay oo jebiyay.
Makkah\‫ مكة‬waxaa Bakkata\‫ بكة‬loogu bixiyay siday dadku isugu ciriiryaan, ama ayadoo
jabaabirada qoorta ka jebisah, oo jabbaarkii soo aadaba waa illaa kuu Ilaahay kala jebiyaa; ama
ayadoo kuwa isla wayn itaalkooda dhigtah. Afar aragtiyood ayaa ka jirtah intay Bakkata\‫بكة‬
tahay, oo kala ah (b) Waa intay Kacbadu ku fadhido, (t) Waa inta ku taalla hareeraha Kacbada,
inta intaas ka dambeysana waxaa la yiraahdaa Makkata\‫مكة‬, (j) Waa Kacbada iyo Masjidka,
Makkaana‫ مكة‬waa magaca Xaramka oo idil, (kh) Bakkata\‫ بكة‬waa isla Makkata\‫ مكة‬oo idil.
171
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu Abuu Tharr\‫أبوذر‬, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu yiri:
"Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, Masjidkee ugu horreeyey oo dadka arliga loo dhigay?
Wuxuu yiri:
".‫"المسجد الحرام‬
"Al Masjidu Al Xaraamu".
Waxaan iri: "Kaddibna kee?" Wuxuu yiri:
".‫"المسجد األقصى‬
"Al Masjidu Al Aqsaa"
Waxaan iri: "inteebaa labadooda u dhexeysey?"
Wuxuu yiri:
".‫"أربعون سنة وأينما أدركتك الصالة فصل فهو مسجد‬
"Arbacuuna sanatan wa aynamaa adraktka al Ssalaatu fa salli fa huwa Masjidun".
Qaybtaab dambe ee Xadiithka macneheedu waxaa weeye:
"Afartan sano. Meeshey salaaddu kuugu soo gashana ku tuko, oo (meeshaasi) waa Masjid."
Waa Xadiithka shan boqol iyo labaatan ee Saxiix Muslim\‫صحيح مسلم‬.
Saddex. Ummu Al Quraa\‫أم القرى‬. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, Aayadda labo iyo
sagaashanaad ee Suuratu Al Ancaam\‫ سورة األنعام‬ku yiri:
‫ق الَِّذي َب ْي َن َي َد ْي ِه َولِتُْنِذ َر أ َُّم اْلقَُرى َو َم ْن َح ْولَهَا‬
ٌ ‫اب أ َْن َزْل َناهُ ُم َب َار‬
ُ ‫ص ِّد‬
ٌ َ‫َو َه َذا ِكت‬
َ ‫ك ُم‬
"Wa haathaa kitaabun anzalnaahu mubaarakun musaddiqu allathii bayna yadayhi wa li
tunthira Umma Al Quraa wa man xawlahaa(92)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Kanna wa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, oo rumaynaya wixii ka horreeyey iyo inaad
ugu digtid Ummu Al Quraa\‫ أم القرى‬iyo kuwa hareereheeda deggan(92)."
Ummu Al Quraa\‫ أم القرى‬macneheedu waxaa weeye Magaalooyinka Hooyadood.
Afar aragtiyood ayaa ka jirta sababta Makkah \‫ مكة‬Ummul Quraa\‫ أم القرى‬loogu bixiyay: (b)
Ayada hoosteeda ayaa arliga laga fidiyay, oo ayadu waa xuddunta arliga iyo bartamaha arliga.
Taas macneheedu waxaa weeye in arliga yaabiska ah oo dhan oo uu adduunkaani ka kooban
yahay uu ayada ku wareegsan yahay, oo uu si nithaamsan Makkah \‫ مكة‬ugu wareegsan yahay,
ayaduna ay tahay xarunta arliga intiisa qallalan. Qofku magaalo kasta adduunkaan ha ka joogo,
ee diillinta ugu gaaban oo magaladaas uu joogo iyo Makkah Al Mukarramah \‫ مكة المكرمة‬isku
xirta waa diillinta isku xirta isaga iyo Makkah\‫ مكة‬markuu Salaadda isagoo tukanaya xaggeeda
u jeesto isagoo Qiblada si sax ah u qaabilaya. Waxay culummada baarta cilmiga xiddigaha
sheegtay inay Kacbadu tahay oo ay ku taallo bartamaha arliga, ayaduna ay ku dhisantahay
172
wadnaha Makkata Al Mukarramati\‫مكة المكرمة‬. (t) Waxaa Bakkata\‫ بكة‬loogu bixiyay inay ayadu
ugu horreysey oo ay magaalooyinka arliga oo idil ugu fac weyntahay. (j) Waa Qiblada dadka
oo idil oo ayada ayay u jeestaan. (kh) Waa magaalada arrinkeedu adduunka ugu weyn yahay.
Afar. Al Baladu\‫البلد‬, oo macneheedu yahay Beledka. Wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa
Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\‫ سورة إبراهيم‬ku
yiri:
ِ ‫اجع ْل ه َذا اْلبلَ َد آ‬
ِ ِ َ َ‫وِا ْذ ق‬
ِّ ‫يم َر‬
‫َمًنا‬
َ َ َْ ‫ب‬
ُ ‫ال إ ْب َراه‬
َ
"Wa ith qaala Ibraahiimu Rabbi ijcal haathaa Al Balada Aaminan(35)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Xusuusta markuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬yiri: Rabbiyow, ka yeel beledkaan mid Aamin ah oo lagu
nabadgalo(35)."
Shan. Al Baladu Al Amiinu\‫البلد األمين‬, oo macneheedu yahay Beledka Aaminka ah, siduu
Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ugu yiri Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Tiini\‫سورة التين‬:
ِ ‫َو َه َذا اْلَبلَِد ْاْل َِم‬
)3( ‫ين‬
"Wa haathaa Al Baladi Al Amiini(3)".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Iyo Magaaladaan Aaminka ah(3)."
Lix. Al Baldatu\‫البلدة‬, oo macneheedu yahay Beledkaan, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla
‫عزوجل‬, ugu yiri Aayadda Kow iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Namli\‫سورة النمل‬:
‫هللا‬
ِ ‫إَِّنما أ‬
َّ ‫َعُب َد َر‬
‫ب َهِذ ِه اْلَبْل َد ِة الَِّذي َح َّرَمهَا‬
ْ ‫َن أ‬
ُ ‫ُم ْر‬
ْ‫ت أ‬
َ
"Innamaa umirtu an acbuda Rabba haathihi Al Baldati allathii xarramahaa(91).".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Waxaa la i faray waxaa weeye inaan caabudo Rabbiga Beledkaan uu xarrimay".
Toddoba. Xaraman Aaminan\‫حرما آمنا‬, oo macneheedu yahay Xaram\‫حرم‬, oo ah goob xurmo
leh, ayna xaaraan ka yihiin xumaan oo dhan, sida in dhiig lagu daadiyo, axadna lagu dulmiyo,
ugaarteeda la gaato, dhirteeda la gooyo, cawskeeda qoyan iyo dhir hoosaadkeeda la gooyo,
siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ugu yiri Aayadda toddoba iyo lixdanaad ee Suuratul
Cankabuut\‫سورة العنكبوت‬:
ِ ‫أَولَم يروا أََّنا جعْل َنا حرما آ‬
‫اس ِم ْن َح ْولِ ِه ْم‬
ُ َّ‫َمًنا َوُيتَ َخط‬
ُ َّ‫ف الن‬
ً ََ َ َ
ْ ََ ْ َ
173
"A wa lam yaraw Annaa jacalnaa Xaraman Aaminan wa yutakgadh-dhafu al nnaasu
min xawlihim(67)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Oo miyeyan arkayn (waana gaaladii Quraysheed\‫قريش‬, intayan Islaamin) inaan dejinnay
Xaram Aamin\‫ حرما آمنا‬ah, oo hareerihiisa dadka la dafayo(67)."
Sideed. Waadin ghayri thii zarcin\‫واد غير ذي زرع‬, oo macneheedu yahay waadi ama dooxo aan
beero lahayn, siduu Ilaahay Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ugu yiri Aayadda toddoba iyo
soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\‫سورة إبراهيم‬:
ِِ
ِ
ِ ‫الن‬
َّ ‫اج َع ْل أَ ْفئِ َدةً ِم َن‬
‫اس‬
َّ ‫يموا‬
َ ِ‫ت ِم ْن ُذِّريَّتِي بِ َو ٍاد َغ ْي ِر ِذي َزْرٍع ِع ْن َد َب ْيت‬
ْ َ‫الص ََلةَ ف‬
ُ ‫َس َك ْن‬
ْ ‫َرب ََّنا إِِّني أ‬
ُ ‫ك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق‬
َّ ِ َّ ِ
)37( ‫ون‬
َ ‫تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر‬
"Rabbanaa innii askantu min thurriyyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al
Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu Al Ssalaata fa ajcal af'idatan mina al nnaasi tahwii
ilayhim wa arzuqhum mina al th-thamaraati lacallahum yashkuruuna(37)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Rabbigeeneow, anigu waxaan dejiyay qaar dhashayda ka mid ah tog aan beer lahayn oo
Gurigaaga La Xurmeeyey agtiisa ah, Rabbigeenow inay oogaan Salaadda ee ka yeel quluubta
dadka tii ayaga xaggooda u iilata, kuna arzuq miro, waxay mudan yihiin inay
shukriyaane(37)."
Sagaal. Macaadin\‫معاد‬, oo macneheedu yahay midda loo soo noqdo, siduu Ilaahay, Subxaanahu
wa Tacaalaa Aayadda shan iyo sideetanaad ee Suuratul Qasas\‫ سورة القصص‬ugu yiri:
َِّ
‫َن لَ َر ُّاد َك إِلَى َم َع ٍاد‬
َ ‫إِ َّن الذي فَ َر‬
َ ‫ض َعلَ ْي َك اْلقُ ْآر‬
"Inna allathii farada calayka Al Quraana la raadduka ilaa Macaadin(85)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Midka kugu farad yeelay Quraanka wuxuu kuu soo celin Macaadin\‫( معاد‬Midda loo soo
noqdo)(85)".
Toban. Qaryatin\‫قرية‬, oo macneheedu yahay magaalo, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa
\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ugu yiri Aayadda saddex iyo tobnaad ee Suuratu Muxammad\‫سورة محمد‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
ِ ‫َهلَ ْك َناهم فَ ََل َن‬
)13( ‫اص َر لَهُ ْم‬
ْ ‫ِّن ِم ْن قَ ْرَي ٍة ِه َي أَ َش ُّد قُ َّوةً ِم ْن قَ ْرَيتِ َك الَّتِي أ‬
ْ ‫َو َكأَي‬
ْ ُ ْ ‫َخ َر َجتْ َك أ‬
"Wa ka'ayyin min qaryatin hiya ashaddu quwwatan min qaryatika allatii akhrajatka
ahlaknaahum falaa naasira lahum(13)."
174
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Imisaa magaalo jirtay ka xoog badan magaaladaan ku bixisay, aanna hallignay, gargaarana
aan helin(13)."
Kow iyo toban. Al Masjida Al Xaraama\‫المسجد الحرام‬, oo ah Masjidka Xurmada leh, siduu
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‫ هللا سبحانه وتعالى‬, ugu yiri Aayadda toddoba iyo labaatanaad
ee Suuratul Fatxi\‫سورة الفتح‬:
ِِّ
ِ ِ َّ ‫ق لَتَ ْد ُخلُ َّن اْلمس ِج َد اْلحرام إِن َش‬
ِّ ‫الرْؤَيا بِاْل َح‬
‫ين ََّل‬
ِّ َ‫وس ُك ْم َو ُمق‬
ُّ ُ‫ق اللَّهُ َر ُسولَه‬
َ ‫ص َد‬
َ ‫ص ِر‬
َ ‫ين ُم َحلق‬
َ ‫اء اللهُ آَمن‬
َْ
َ ‫ين ُرُء‬
َ ْ َ ََ
َ ‫لَقَ ْد‬
‫ون‬
َ ُ‫تَ َخاف‬
"La qad sadaqa Allaahu Rasuulahu al rru'yaa bi al xaqqi la tadkhulunna Al Masjida Al
Xaraama in Shaa'a Allaahu muxalliqiina ru'uusakum wa muqassiriina laa
takhaafuuna(27)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay waa rumeeyey Rasuulka riyadiisii si dhab ah, ahaydna inay mu'miniintu gelayaan
Masjid Xurmeysan\‫المسجد الحرام‬, Inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, ayagoo aamin ah oo timaha iska
xiiray ama gaabsaday, ayagoo aan cidna ka cabsanayn(27)."
Labo iyo toban. Ummu Ruxm\‫أم رحم‬, oo macneheedu yahay hooyada naxariista, ayadoo dadku
dhexdeeda isku naxariisto, iskuna nabad gelyeeyaan markay ka dhoofayaan.
Saddex iyo toban. Salaaxi\‫صالح‬, oo macneheedu yahay midda toosan oo suuban, oo
naxariisata, laguna amni helo.
Afar iyo toban. Al Baassatu\‫الباسة‬, oo macneheedu yahay midda baabi'isa oo budo ka dhigtah,
ayadoo cidda ku dhex jirta oo gaal ah jebisa oo budo ka dhigtah, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla
\‫هللا عزوجل‬, Aayadda shanaad ee Suuratul Waaqicah\‫ سورة الواقعة‬ugu yiri:
ِ ‫وبس‬
)2( ‫َّت اْل ِج َبا ُل َبسًّا‬
َُ
"Wa bussati al jibaalu bassan(5)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Buurahana la ridqo(5)" oo ay budo noqdaan.
Shan iyo toban. Al Nassaasatu\‫النساسة‬, oo macneheedu yahay midda dibadda u saarta oo u
tuurta kuwa dhexdeeda ku jira oo aan Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬,
rumaysnayn.
Lix iyo toban. Al Naassatu\‫الناسة‬,oo macneheedu yahay midda biyaha yar.
175
Toddoba iyo toban. Al Xadhiimatu\‫الحطيمة‬, oo macneheedu yahay midda burburisa, ayadoo
gaalada jebisa oo burburisa.
Sideed iyo toban. Al Ra'su\‫الرأس‬, oo macneheedu yahay Madaxa, hoggaamiyaha.
Sagaal iyo toban. Kubaa\‫كبى‬. Makkah\‫ مكة‬waxay magacaan ka qaadatay meel ayada ku taalla
oo Kubaa\‫ كبى‬la yiraahdo.
Labaatan. Al Carshu\‫العرش‬, oo macneheedu yahay Carshiga, ama waa Al Curshu\‫ العرش‬oo
macneheedu yahay Cariishyada.
Kow iyo labaatan. Al Qaadisatu\‫القادسة‬, oo macneheedu yahay midda daahirka ah.
Labo iyo labaatan. Al Muqaddasatu\‫المقدسة‬, oo macneheedu yahay midda la daahiriyay.
Saddex iyo labaatan. Kuuthaa\‫( كوثى‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh). Waxaa kaloo
Kuuthaa Rabbaa\‫ كوثى ربا‬la yiraahdaa magaalada uu Al Dajjaalu\‫ الدجال‬kasoo bixi doono, ahna
magaalada ay ku dhalatay Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhisaalaamu hooyadiis oo magaceedu
ahaa Nuunan\‫نونان‬. Al Dhabarii\‫( الطبري‬1/533) wuxuu wariyay inuu aabeheed qoday wabiga la
yiraahdo Kuuthaa\‫كوثي‬. Waxaa kaloo la yiri magaceedu wuxuu ahaa Layuuthii\‫ليوثي‬.
Xaramka Makkata Al Mukarramati\‫حرم مكة المكرمة‬
Dhulka uu Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬ka kooban yahay wuu calaamadeysan yahay, wuxuuna ku
calaamadeysan yahay sagaal boqol iyo saddex iyo afartan calan, oo ku suran xuduudkeeda, ha
ahaado dhulka fidsan ama buuraha dushoodabee. Dhulka uu Xaramku ku fadhiyo waa shan
boqol iyo konton kiiloomitir oo wareegsan.
Al Tanciimu\‫التنعيم‬
Meelaha caanka ah oo xuduuddaas ku yaalla waxa ka mid ah Al Tanciimu\‫التنعيم‬, oo ah meesha
uu ku yaallo Masjidu Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah\‫مسجد أم المؤمنين عائشة‬, Allaha raalli ka
noqdee, oo marka la cumreysanayo laga soo ixraamto, taasoo Kacbada toddoba kiiloomitir iyo
nus u jirta. Qisadaanna waxaan ku arki doonnaa, in shaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, markaan ka
hadleynno duullaanka Bicthatu Al Rrajiic\‫ بعثة الرجيع‬iyo dilidda Khubayb bin Cadiyyi ‫خبيب بن‬
\‫عدي‬, iyo Xajjatu Al Wadaaci\‫حجة الوداع‬.
Nakhlata\‫نخلة‬
Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\‫ مكة‬ka mid ah Nakhlata\‫ نخلة‬oo Kacbada ilaa lixdan
kiiloomitir u jirta, una dhexeysa Makkah\‫ مكة‬iyo Dhaa'if\‫الطائف‬, ahna barta uu degay Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Dhaa'if\‫ الطائف‬kasoo noqday sanadka
tobanaad ee Nabinnimada. Qisadaanna meeshaas ayaan ku arki doonnaa inshaa’a Allaahu ‫إن‬
‫شاء هللا‬.
176
Adaatu Laban\‫أضات لبن‬
Waxaa kaloo xuduudda Xaramka Makkah\‫ مكة‬ku yaalla Adaatu Laban\‫( أضات لبن‬waa daad
dhibic kor ku leh oo saad ku xiga), oo Kacbada lix iyo toban kiiloomitir u jirta.
Adaat\‫ أضات‬waxaa la yiraahdaa biyaha iyo meeshay biyuhu fariistaan, sida dhasheeg ama gal
ama balli, gaar ahaan kuwa buuro dhexdooda ah, iyo wixii la mid ah. Labanna\‫ لبن‬waa magaca
buur meeshaas ku taalla oo midabkeedu caddaan yahay sida caanaha oo kale, labanna \‫ لبن‬waa
caanaha.
Maanta waxaa bartaas la yiraahdaa Al Caqiishiyyatu\‫العقيشية‬, ama caynku waa godan yahay.
Waxayna ka mid tahay arliga ay Khuzaacah\‫ خزاعة‬degi jirtay, taasoo Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, axdi la lahayd, islaamiddeeda ka hor.
Al Jicraanatu\‫الجعرانة‬
Waxaa kaloo xuduudda Xaramka Makkah\‫ مكة‬ka mid ah Al Jicraanatu\‫الجعرانة‬, oo Kacbada
labo iyo labaatan kiiloomitir u jirta. Waxaa tuuladaas lagu magacaabay haweeney degganaan
jirtay oo Al Jicraanatu\‫ الجعرانة‬la oran jiray, magaceeduna ahaa Raydhatu bintu Camr bin Sacd
bin Kacb bin Zayd Manaat bin Tamiim\‫ ريطة بنت عمرو بن سعد بن كعب بن زيد مناة بن تميم‬oo madaxa
looga jiray oo doqon ahayd.
Al Jicraanah\‫ الجعرانة‬waxaan uga warrami doonnaa inshaa’a Allaahu‫ إن شاء هللا‬markaan ka
hadlaynno Duullaammada Xunayn\‫ حنين‬iyo Al Dhaa’if\‫الطائف‬.
Al Xudaybiyyah\‫الحديبية‬
Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\‫ مكة‬ka mid ah Al Xudaybiyyah\‫ الحديبية‬, oo Kacbada
labo iyo labaatan kiiloomitir u jirta, looguna magac daray ceel halkaas ku yiillay, waxayna ku
taallaa dariiqa Makkah\‫ مكة‬iyo Jiddah\‫ جدة‬isku xirah.
Hadda waxaa la yiraahdaa Al Shumaysii\‫الشميسي‬, oo ayadana loogu magac daray ceel halkaas
ku yaalla oo al Shumays\‫ الشميس‬la yiraahdo.
Al Xudeybiyyah\‫ الحديبية‬waa meesha uu ka dhacay Heshiiska Xudaybiyyah\‫ الحديبية‬ee Sanadka
lixaad ee Hijrada iyo Beecatu Al Ridwaan\‫بيعة الرضوان‬, oo ku xusan Suuratu Al Fatxi\‫سورة الفتح‬.
Markaan Duullaanka Al Xudaybiyah\‫ الحديبية‬ka warbixinaynno ayaan ka hadli doonnaa
inshaa’a Allaahu‫إن شاء هللا‬.
Jabalu Carafaat\‫جبل عرفة‬
Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\‫ مكة‬ka mid ah Jabalu Carafaat\‫جبل عرفة‬, oo Kacbada
labo iyo labaatan kiiloomitir xagga Koofureed uga jira, xadkana ka baxsan, sidaan usoo
sheegnay.
Magacda Kacbada
Kacbadu waxay leedahay magac badan, waxaana magacdeeda ka mid ah:
Kow. Al Kacbata\‫الكعبة‬, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Maa'idah\‫سورة المائدة‬:
‫هللا سبحانه‬,
ugu yiri
177
‫ت اْل َح َر َام‬
َ ‫َج َع َل اللَّهُ اْل َك ْع َبةَ اْل َب ْي‬
"Jacala Allaahu Al Kacbata Al Bayta Al Xaraama(97)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Wuxuu ka yeelay Ilaahay Kacbada\‫ الكعبة‬Guri Xurmada leh(97)."
Kacbada waxaa Kacbah\‫ كعبة‬loogu bixiyay siday u dhisan tahay daraadeed, oo ah Guri afar
darbi leh, muuqaalkaasoo af Carabiga kacb\‫ كعب‬lagu yiraahdo. Carabtuna guri kasta oo afar
darbi leh oo murabbac ah waxay tiraahdaa Kacbah\‫كعبة‬.
Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay dheraanteeda ay kor u taagan tahay
daraadeed, oo ay dhulka uga sarreyso.
Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay inuu Gurigu dhismo keligiis ah yahay.
Labo. Al Baytu\‫البيت‬, oo macneheedu yahay Guriga, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫عزوجل‬
ugu yiri Aayadda lix iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آلل عمران‬:
‫هللا‬,
ِ ِ
َِّ ِ ‫ضع لِ َّلن‬
ِ ٍ
ِ
)96( ‫ين‬
َ ‫اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم‬
َ ‫إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو‬
"Inna awwala Baytin wudica lil nnaasi lallathii biBakkata mubaarakan wa hudan
lilcaalamiina(96)."
Aayadda macneheedu in yar ka hor ayuu nasoo maray.
Imaam Al Nawawii\‫ اإلمام النووي‬wuxuu Manaasiku Al Xajji\‫مناسك الحج‬, uuna sharxay Ibnu Xajar
Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬bogga afar boqol iyo toddoba iyo lixdan ku wariyay Calii bin Abii
Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee, inuu yiri in macnaha Aayaddaas iyo
Xadiithkaasba uu yahay: "Waa gurigii ugu horreeyey oo cibaadeysi iyo barako loo dhigay",
hortiisna ay guryo badan jireen, siday Al Xasan\‫ الحسن‬iyo Qataadah\‫ قتادة‬u yiraahdeen.
Saddex. Baytu Allaahi\‫بيت هللا‬, oo macneheedu yahay Guriga Ilaahay, isagoo Ilaahay, Cazza
wa Jalla‫هللا عزوجل‬, uu Gurigaas Naftiisa u nisbeeyey, siduu ugu yiri Aayadda boqol iyo shan
iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورةالبقرة‬:
ِ ‫اهيم وِاسم‬
ِ ِ ِ ِ
ِ
ِ ِ
ًّ ‫اهيم م‬
ِ
ِ ‫ت َمثَ َابةً لِ َّلن‬
‫َن طَهِّ َار‬
َ ‫اع‬
َ ‫َوِا ْذ َج َعْل َنا اْل َب ْي‬
ْ ‫يل أ‬
َ ُ َ ‫اس َوأ َْمًنا َواتَّخ ُذوا م ْن َمقَام إِ ْب َر‬
َ ْ َ َ ‫صلى َو َعه ْد َنا إلَى إ ْب َر‬
ِِ
ِِ َّ ِ ِ
ِ ‫ُّج‬
)128( ‫ود‬
ُّ ‫ين َو‬
ُ ‫الرَّك ِع الس‬
َ ‫ين َواْل َعاكف‬
َ ‫َب ْيت َي للطائف‬
"Wa ith jacalnaa Al Bayta mathaabatan lil nnaasi wa amnan wa ittakhathuu min
maqaami Ibraahiima Musallan wa cahidnaa ilaa Ibraahiima wa Ismaaciila an dhahhiraa
Baytii lil dh-dhaa'ifiina wa al caakifiina wa al rrukkaci al ssujuudi(125)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Xusuuso markaan ka yeelay Baytka\‫ البيت‬meel dadku ku kulmo, iyo nabadgelyo, kana yeesha
Maqaamka Ibraahiim\‫ مقام إبراهيم‬meel lagu tukado, waxaanna u waxyoonnay Ibraahiim \‫إبراهيم‬
178
iyo Ismaaciil\‫ إسماعيل‬inay u daahiriyaan Baytkeyga kuwa dhawaafaya iyo kuwa ku nagaadaya
iyo kuwa Rukuucaya oo sujuudsan(125)."
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu tafsiirkiisa ku yiri: "Nisbeynta uu Ilaahay Naftiisa Gurigaas u
nisbeeyey waa nisbayn tashriif\‫ تشريف‬iyo karaamayn\‫تكريم‬, oo uu makhluuq\‫ مخلوق‬la abuuray
Khaaliqqii\‫ الخالق‬abuuray loo nisbeeyey."
Afar. Al Bayta Al Xaraama\‫البيت الحرام‬, oo ah Guriga Xurmada leh, siduu Ilaahay, Cazza wa
Jall‫هللا عزوجل‬a, ugu yiri Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Maa'idah ‫سورة‬
\‫المائدة‬:
‫ت اْل َح َر َام‬
َ ‫َج َع َل اللَّهُ اْل َك ْع َبةَ اْل َب ْي‬
"Jacala Allaahu Al Kacbata Al Bayta Al Xaraama(97)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Wuxuu ka yeelay Kacbada Bayt Xurmada leh(97)."
Shan. Al Baytu Al Catiiqu\‫البيت العتيق‬, oo macneheedu yahay Guriga faca wayn, siduu Ilaahay,
Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, ugu yiri Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratul Xajji ‫سورة‬
\‫الحج‬:
ِ ‫ورُه ْم وْل َيطَّ َّوفُوا بِاْل َب ْي ِت اْل َعتِي‬
)51( ‫ق‬
ُ ‫ثَُّم ْل َي ْق‬
َ َ ‫ضوا تَفَثَهُ ْم َوْليُوفُوا ُن ُذ‬
"Thumma layaqduu tafathahum walyuufuu nuthuurahum walyadhawwafuu bi Al Bayti
Al Catiiqi(29)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Markaas ha dhammeeyaan basaastooda, hana oofiyeen nuthuurtooda, hana ku dhawaafaan
Baytka Horreeyey(29)."
Baytka waxaa Catiiq\‫ عتيق‬loogu bixiyay Sharaftiisa, ama fac weynidiisa Isagoo ah Gurigii ugu
horreeyey oo arliga laga dhisay, oo catiiq macnihiisu waxaa weeye midka faca weyn; ama
loogu bixiyay in laga xoreeyey oo laga badbaadiyay dhuufaantii Nabi Nuux \‫نوح‬,
Calayhissalaamu, oo catiiq\‫ عتيق‬waxaa kaloo la yiraahdaa qofka la xoreeyey; ama laga
xoreeyey gacanta jabbaariinta, ama waa xor uusan axad aan Ilaahay ahayn uusan lahayn oo aan
la oran Guriga hebel hebel lase yiraahdo Guriga Ilaahay\‫ ;بيت هللا‬ama ma jiro qof xumaan la
doonay ee waase illaa kii la halaago, ama waxaa sidaas loogu bixiyay ayadoo uu agtiisa
Ilaahay luqumaha addoommadiisa mu'miniinta ah cathaabka uga xoreeyo. Intaasoo macnaba
waxaa wariyay Kutubbada Tafaasiirta iyo Al Xaafith Nuurudddiin Cali bin Abii Bakar Al
Haythamii\‫( الحافظ نور الدين علي بن أبي بكر الهيثمي‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh( kuna
wariyay Kitaabkiis qiimaha badan ee Axaadiithta ee Majmacu Al Zawaa'idi wa Manbacu Al
Fawaa'idi\‫ مجمع الزوائد ومنبع الفوائد‬mujalladka saddexaad bogga laba boqol lix iyo sagaashan.
179
Lix. Qiblatun\‫قبلة‬, oo macneheedu yahay Qiblada xaggeeda Salaadda loola jeesto, siduu
Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, Aayadda boqol iyo afar iyo afartan ee Suuratul
Baqarah\‫ سورة البقرة‬ku yiri:
ِ
ِ ‫قَ ْد َنرى تََقلُّب و ْج ِه َك ِفي الس‬
‫ث َما ُك ْنتُ ْم فَ َولُّوا‬
ْ ‫اها فَ َو ِّل َو ْجهَ َك َش‬
ُ ‫ط َر اْل َم ْس ِجِد اْل َح َرِام َو َح ْي‬
َ ‫ض‬
َ ‫َّماء َفلَُن َولَِّيَّن َك قْبلَةً تَْر‬
َ
َ
َ َ
ْ ‫وه ُك ْم َش‬
َ ‫ُو ُج‬
ُ‫ط َره‬
"Qad naraa taqalluba wajhika fii Al Ssamaa'i fa la nuwalliyannaka Qiblatan tardaahaa
fa walli wajhaka shadhra Al Masjidi Al Xaraami wa xaythu maa kuntum fa walluu
wujuuhakum shadhrahu(144)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Dhab ahaan ayaan ugu jeednay gadgaddoonka wajigaaga ee Samada, marka waxaan kuu
jeedineynnaa Qiblad\‫ قبلة‬aad ka raalli noqon doontid ee u jeedi wajigaaga xagga Masjidka
Xurmeysan\‫المسجد الحرام‬, meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wajiyadiinna xaggiisa(144)."
Inta goor oo Kacbada la dhisay
Waxaa la yiri in Kacbada laba iyo toban goor la dhisay, ayadoo ay qaar riwaayadaha wariyay
ay malo ku dhisanyihiin, oo aan Quraan ama Xadiith saxiix ah lagu warin, waxayna kala yihiin
sida soo socota.
Kow. Dhismaha Malaa'igta
Marka ugu horreysey waxaa Kacbada dhistay Malaa'ig, waxayna dhistay intaan khalqiga la
abuurin ka hor, oo waxaa Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\‫عبد هللا بن عمرو بن العاص‬, Allaha
isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, laga wariyay inuu yiri:
"Guriga waxaa la dhigay arliga hortiis (oo ah intaan la abuurin) laba kun oo sano. Guriguna
wuxuu ahaa quraarac cad, Carshiguna wuxuu ahaa biyaha korkooda, arliguna uu hoostiisa ahaa
una ekaa Khasfatun\‫( خسفة‬uuna Lisaanul Carab\‫ لسان العرب‬ku fasiray waa jawzka la cuno, oo
muuqaalka arligu sidaas ayuu u ekaa, goobaabin dhuubanna u eg). Markaasuu Guriga hoostiisa
(arliga) ka fidiyay."
Waxaana wariyay Majmacu Al Zawaa'id\‫ مجمع الزوائد‬mujalladka saddexaad, bogga laba boqol
iyo sideed iyo sideetan.
Cabdu Allaahi bin Camr bin Caas‫ عبد هللا بن عمرو بن العاص‬wuxuu aabihiis ka yaraa kow iyo
toban sano. Allow labadooda iyo asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u wada naxariiso, iyo muslimiinta oo idil.
Labo. Dhismaha Aadan\‫آدم‬
Marka labaad waxaa Kacbada dhisay Nabi Aadan\‫ ادم‬, Calayhissalaamu. Wuxuu Al Haythamii
\‫ الهيثمي‬Majmacu Al Zawaa'idi\‫ مجمع الزوائد‬mujalladka saddexaad bogga laba boqol sideed iyo
sideetan ku wariyay inuu Cabdu Allaahi bin Cumar\‫عبد هللا بن عمر‬, Allaha isaga iyo aabihiisba
raalli ka noqdee, yiri:
180
"Markuu Ilaahay Adan\‫ آدم‬Jannada kasoo dejiyay ayuu wuxuu yiri:
"Waxaan kula dejinayaa Guri aad ku dhawaaftid sida Carshigeyga loogu dhawaafo oo kale,
agtiisana loogu tukado, sida Carshigeyga agtiisa loogu tukado oo kale."
Markaasaa markay dhuufaantii Nabi Nuux\‫نوح‬, Calayhissalaamu, arliga oo idil dedday, ayaa
Baytka\‫ البيت‬samada kor loogu qaaday. Anbiyaduna way usoo xajjin jireen ayagoo aan bartiisa
aqoon. Markaasuu Ilaahay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬u muujiyay, kaasoo dhagaxda shan buurood ka
dhisay, kuwaasoo kala ah (Kow) Jabalu Xiraa'\‫جبل حراء‬, iyo (Laba) Dhuuru Zaytaa\‫طور زيتى‬, iyo
(Saddex) Jabalu Labanaani\‫( جبل لبنان‬oo labo buurood ka kooban), iyo (Afar) Jabalu Al Dhuur
\‫جبل الطور‬, iyo (Shan) Jabalu Al Juudiyyi\‫جبل الجودي‬. Marka ku raaxeysta intaad kartaan."
Muujintaas waaba tuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, noogu sheegay Aayadda lix iyo
labaatanaad ee Suuratul Xajji\‫سورة الجد‬:
ِ ِِ
‫ان اْل َب ْي ِت‬
َ ‫يم َم َك‬
َ ‫َوِا ْذ َب َّوأ َْنا ْل ْب َراه‬
"Wa ith bawwa'anaa li Ibraahiima makaana Al Bayti(26)".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"(Xusuuso) markaan u muujinnay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬makaanka Baytka\‫(البيت‬26)."
Saddex. Dhismaha Shayth ina Nabi Aadan\‫شيث بن آدم‬
Marka saddexaad waxaa dhisay Shayth (waa thaa saddex dhibcood kor ku leh) ina Aadan ‫شيث‬
\‫بن آدم‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ka wariyay inuu yiri:
"Kacbadu intuusan Shayth (ina Aadan)\‫ شيث بن آدم‬dhisin, Calayhissalaamu, waxay ahayd
khaymad ka sameysan xabbad Yaaquut\‫ ياقوت‬ah oo guduudan, oo uu Aadan\‫ آدم‬ku dhawaafi
jiray, uuna weheshan jiray, ayadoo isaga Jannada looga soo dejiyay. Bartaas ay ku taallo ayuu
(Aadan\‫ ) آدم‬Hindiya oo uu degganaa uga soo xajjin jiray."
Afar. Dhismaha Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil\‫إسماعيل‬
Marka afaraad waxaa Kacabada dhisay Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil
‫إسماعيل‬, Nabigeenna iyo ayaga iyo Anbiyadoo idilba Caleyhimussalaatu wa Al ssalaamu,
waxayna ka dhiseen dhagaxda shan buurood oo kala ah: (Kow) Jabalu Xiraa'\‫جبل حراء‬, oo
Makkah\‫ مكة‬ku yaalla, iyo (Laba) Jabalu Al Juudiyyi \‫جبل الجودي‬, oo Ciraaq\‫ عراق‬ku yaalla, iyo
(Saddex) Jabalu Labanaani\‫جبل لبنان‬, oo ah laba buurood oo Makka\‫ مكة‬ku yaalla, iyo (Afar)
Jabalu Al Dhuur\‫ جبل الطور‬oo lama degaanka Saynaa'\‫ سيناء‬ee arliga Masar\‫ مصر‬ku yaalla, iyo
(Shan) Jabalu Dhuuri Zaytaa\‫جبل طور زيتى‬, oo Shaam\‫ الشام‬ku yaalla. Aasaaska Kacbadana
waxay ka dhiseen dhagaxda Jabalu Xiraa'\‫جبل حراء‬.
181
Culummada leh inay Kacbadu jiri jirtay Ibraahiim‫ إبراهيم‬hortiis, waxay u daliilsanayaan
Xadiithka uu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay, Allaha isaga iyo
aabihiisba raalli ka noqdee, oo uu yiri:
"Markaasuu (Ibraahiim‫ )إبراهيم‬gaddoomay, oo markuu jiirta gaaray, ayaguna (waa Haajar\‫هاجر‬
iyo Ismaaciil‫ )إسماعيل‬ayan u jeedin, ayuu wajigiisa xagga Baytka\‫ البت‬usoo jeediyay, kaddibna
uu ku Alle baryey, intuu gacnihiisa kor u qaaday ducooyinkaan:
ِِ
ِ
ِ
ِ
ٍ ِ ِ
ِ ُ ‫رب ََّنا إِِّني أَس َك ْن‬
ِ
ِ ‫الن‬
َّ ‫اج َع ْل أَ ْفئِ َدةً ِم َن‬
‫اس‬
َ ‫يموا الص‬
ْ َ‫ََّلةَ ف‬
ْ
َ
ُ ‫ت م ْن ُذِّريَّتي ب َواد َغ ْي ِر ذي َزْرٍع ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق‬
َّ ِ َّ ِ
)33( ‫ون‬
َ ‫تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر‬
"Rabbanaa innii askantu min thurriyyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al
Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu Al Ssalaata fa ajcal af'idatan mina al nnaasi tahwii
ilayhim wa arzuqhum mina al th-thamaraati lacallahum yashkuruuna(37)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Rabbigeeneow, anigu waxaan dejiyay qaar dhashayda ka mid ah tog aan beer lahayn oo
Gurigaaga La Xurmeeyey agtiisa ah, Rabbigeenow inay oogaan Salaadda ee ka yeel quluubta
dadka tii ayaga xaggooda u iilata, kuna arzuq miro, waxay mudan yihiin inay
shukriyaane(37)."
Waana Aayadda toddoba iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\‫سورة إبراهيم‬. Tirada Xadiithka
Bukhaarina\‫ البخاري‬waa saddex kun saddex boqol iyo afar iyo lixda.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu ducooyinkaas ku Alle baryey kaddib markuu Ismaaciil\‫ إسماعيل‬iyo
hooyadiis Haajar\‫هاجر‬, dooxada Makkah\‫ مكة‬uga soo tegey.
ِ
ِ
Marka jeesashadaas uu wajigiisa aadiyay Baytka iyo dhihidda uu yiri ‫ح َّرِم‬
َ ‫ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُم‬cinda
Baytika Al Muxarrami waxay daliil u tahay inuu Gurigu Ibraahiim‫ إبراهيم‬hortiis jiray, uuse
dumay, ayse qawaaciddii ama aasaaskii dhulka ku dugnaa uu haray, kaasoo uu Ibraahiim‫إبراهيم‬
iyo Ismaaciil‫ إسماعيل‬darbiyo ku kor dhiseen, oo ay kor u taageen markaas kaddib, markay
Kacbada dhisayeen. Aasaaska Kacbadu waa adag yahay oo markay Ibraahiim ‫ إبراهيم‬iyo
Ismaaciil‫ إسماعيل‬dhiseen waxaa laga joogaa shan kun iyo shan boqol oo sanooo sano. Ilaahay,
Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, wuxuu Aayadda boqol iyo toddoba iyo labaatanaad ee Suuratul
Baqarah\‫ سورة البقرة‬ku yiri:
ِ
ِ
ِ ‫اع َد ِمن اْلب ْي ِت وِاسم‬
ِ ‫اهيم اْلقَو‬
ِ ِ
)127( ‫يم‬
ْ ‫اعي ُل َرب ََّنا تَقَب‬
َ ‫َّل ِمنَّا إَِّن َك أ َْن‬
َْ َ َ َ
ُ ‫ت السَّميعُ اْل َعل‬
َ ُ ‫َوِا ْذ َي ْرفَعُ إ ْب َر‬
"Wa ith yarfacu Ibraahimu al qawaacida mina Al Bayti wa Ismaaciilu Rabbanaa
taqabbal minnaa Innaka Anta Al Ssamiicu Al Caliimu(127)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
182
"Xusuuso markuu kor yeelay Ibraahiim‫ إبراهيم‬Aaasaaska Kacbada iyo Ismaaciil‫إسماعيل‬
ayagoo oranaya Rabbigeenow naga aqbal (camalkaan aan qabaneynno oo ah dhismaha
Kacbada), Adigu waxaad tahay Midka wax walba maqla, wax walbana u cilmi leh(127)."
Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil‫ إسماعيل‬dabadood, dhawr goor ayaa Kacbada dib loo dhisay,
aasaaskuse waa isla midkaas hore.
Siduu aasaaskaasu u egyahay waxaa ka warramay Yaziid bin Ruumaan\‫يزيد بن رومان‬, oo yiri:
"Waxaan goobjoog ahaa markuu Ibnu Al Zubayr \‫( إبن الزبير‬Kacbada) dumiyay, uuna dib u
dhisay, Xijirkana (waa Xijru Ismaaciil\‫ )حجر إسماعيل‬dhexgeliyay (oo uu Kacbada ku daray),
waxaanna arkay aasaaskii Ibraahiim‫ إبراهيم‬oo ah dhagax sida kuruska geela oo kale ah."
Waana Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sideetan ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
Sidaas ayuu Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\‫ عبد هللا بن الزبير‬wuxuu Kacbada ku taagay
aasaaskeedii hore, Kacbada inteeda kalena dib ayuu u dhisay. Markuu sanadku ahaa kun iyo
afar boqol iyo toddoba iyo toban Hijriga, ayaa marka Kacbada dib loo dhisayey, hadana
aasaaskii muuqday, kaddib markii Kacbada la dumiyay, waxaana aasaasku madhaafka lagu
socdo marka la dhawaafayo uu ka hooseeyaa hal mitir iyo afartan sentiimitir. Markay
muuqdeen waxaa la arkay inay dhagaxdaasi is dhexdhex galeen oo ay isku dhex jiraan, ayadoo
ayan jirin wax kale oo isku haya ama isku xiraya, muuqaalkooduna wuxuu u egyahay
luqumaha geela, xaaladooduna waa heer sare, una qalma inay Guriga Aasaas u noqdaan
ayagoo aan u baahneyn dayactirid. Sidaas ayaana aasaaskaas Kacbada loogu kor dhisay.
Aasaaskaas Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu jiraa, maanta, qiyaas shan kun iyo shan boqol oo sano,
waana jiri doonaa ilaa uu adduunkaani ka jiro iyo ilaa yawmul qiyaamaha.
Marka aasaaska Kacbadu waa mucjizo wayn oo weligeed jiri doonta.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu Kacbada u yeelay laba irdood oo ay labaduba dhulka ku dheggan
yihiin, albaabna ma saarneyn, oo way iska dalooleen. Markaasuu dadku intuu irridda qorrax ka
soo bax xigta, oo ah dhanka uu maanta albaabku ku yaallo, ka galo, ayuu wuxuu ka bixi jiray
irridda qorrax u dhaca ku tiillay, oo midda hore kasoo horjeeda oo ku beegnayd.
Kacbada uu Ibraahiim‫ إبراهيم‬dhisay waxay kor u taagnayd sagaal dhudhun, dhererkeeduna
soddon dhudhun, ballaarkeeduna labo iyo labaatan dhudhun, siduu Al Nawawii \‫ النووي‬uga
wariyay Abuu Waliid Al Azraqii\‫ أبوالوليد األزرقي‬kitaabkiisa Manaasiku Al Xajji\‫مناسك الحج‬
bogga afar boqol iyo toddobaatan, saqafna uma yeelin, oo Samada ayay u furnayd.
Boqorkii Yamaneed\‫ يمن‬ee magaciisu ahaa Ascad Tubbac\‫ أسعد تبع‬kii saddexaad, ayaa Kacbada
albaab hal qalbac ah saaray, oo la xiri karo lana furi karo, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ugu
wariyay Xadiithka kun iyo shan boqol iyo afar iyo sedeetan.
Shan. Dhismaha Al Camaaliqah\‫العمالقة‬
Marka shanaad waxaa Kacbada dhisay qabiilka Carbeed ee la yiraahdo Al Camaaliqah\‫ العمالقة‬.
183
Lix. Dhismaha Jurham\‫جرهم‬
Marka lixaad waxaa Kacbada dhisay qabiilka Carbeed ee la yiraahdo Jurham\‫جرهم‬.
Toddoba. Dhismaha Qusayy\‫قصي‬
Marka toddobaad waxaa Kacbada dhisay awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Qusayy bin Kilaab\‫قصي بن كالب‬. Dhismahaas kor ayaan kusoo
sheegnay.
Sideed. Dhismaha Quraysh\‫قريش‬
Marka sideedaad waxaa Kacbada dib u dhistay Quraysh\‫ قريش‬markuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, shan iyo soddon sano jiray, iyo shan sano ka hor Nabinnimada.
Quraysh\‫ قريش‬waxay ku heshiisay inayan dhismaha Kacbada gelin oo ayan ku dhisin maal
aan xalaal ahayn, oo ayan gelin meherka haweenka jirkooda gata, iyo maal ganacsi oo ay ribo
ku jirto, iyo maal si thulmi ah iyo xaqdarro axad loo geystey lagu kasbay.
Markaasey lacagtii xalaasha ahayd oo ay iska soo aruuriyeen ku filaan weydey inay u goyso
qalabkii dhismaha ee Kacbada oo idil siduu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬u dhisay dib loogu dhisi lahaa.
Markaasey waxay dhankeeda Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬xigah ka gooyeen qiyaas saddex
mitir, oo ayan dhisin. Sidaas ayay saddex mitir oo xagga Xijiru Ismaaciil \‫ حجر إسماعيل‬xigtah
qofkii ku tukada uu run ahaantii Kacbada dhexdeeda ugu tukaday. Arrinkaasi yuusan ku
seegin. Al Tarmithii\‫ الترمذي‬wuxuu Xadiithkiisa sideed boqol iyo lix iyo toddobaatan ku
wariyay qisadaas Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\‫أم المؤمنين عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee,
wayna nasoo mari doontaa inshaa’a Allaahu Tacaalaa‫إن شاء هللا تعالى‬.
Sagaal. Dhismaha Cabdu Allaahi ibnu Al Zzubayru\‫عبد هللا إبن الزبير‬
Markii sagaalaad waxaa Kacbada dhisay Cabdu Allaahi ibnu Al Zzubayru bin Al Cawwaamu
\‫عبد هللا إبن الزبير بن العوام‬, markuu sanadku ahaa shan iyo lixdan Hijrada, isagoo , Allaha isaga iyo
qoyskiisaba raalli ka noqdee, markaas hayey hoggaanka Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu ahaa cunugga ugu horreeyey ee Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku dhashah Hijrada kaddib, markaasoo ay Muslimiintu Allaahu
Akbar\‫ هللا أكبر‬wada yiraahdeen, oo ay ku wada farxeen.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬waxaa dhalay Al Zubayr bin Al Cawwaam\‫الزبير بن العوام‬, Allaha Raalli
ka noqdee, Xawaariyigii\‫ حواري‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Zubayrna\‫ الزبير‬waxaa dhashay Safiyyatu bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin
Cabdi Manaaf\‫صفية بنت عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬, eedada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo markaas ah ayeeyada Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬.
184
Al Zubayr\‫ الزبير‬aabihiis waa Al Cawwaam ibnu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa
\‫العوام إبن خويلد بن أسد بن عبد العزى‬, oo ah walaalka la dhashay Ummu Al Mu'miniin Khadiija
bintu khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن بن أسد بن عبد‬
\‫العزى‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Zubayr\‫ الزبير‬waa nin ka mid tobanka Jannada loogu bishaareeyey.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬hooyadiisa dhashay waa Asmaa'u bintu Abii Bakar Al Siddiiq ‫أسماء بنت أبي‬
\‫بكر الصديق‬, Caa'ishah\‫ عائشة‬walaasheed, uuna dhalay Saaxiibka Nabi Muxammad,‫ غ‬Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo ahaa midkii labaad ee labada siday noo sheegtay Aayadda
Afartanaad ee Suuratu Baraa'\‫سورة براءة‬, oo sidaas ayuu Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬awoowihiisa yahay.
Aayaduna waxay tiri:
ِ ‫َخرجه الَِّذين َكفَروا ثَانِي اثَْن ْي ِن إِ ْذ هما ِفي اْل َغ ِار إِ ْذ يقُو ُل لِص‬
َّ ِ
ِ َّ َ ‫صروهُ فَقَ ْد َن‬
‫احبِ ِه ََّل تَ ْح َزْن إِ َّن‬
َ
َ
ُ َ ُ َ َ ْ ‫ص َرهُ اللهُ إ ْذ أ‬
ُ ُ ‫إَّل تَْن‬
َُ
َ
‫اللَّهَ َم َع َنا‬
"Illaa tansuruuhu fa qad nasarahu Allaahu ith akhrajahu allathiina kafaruu thaaniya
ithnayni ith humaa fii al ghaari ith yaquulu li saaxibihi la taxzan inna Allaaha
macanaa(40)",
oo macneheedu yahay:
"Haddaydaan u gargaarin (Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaa u gargaaray
Ilaahay markay bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo midkood ah markay godka ku jireen,
markuu ku lahaa saaxiibkiis: ha tiiraanyoonin Ilaahay ayaa nala jiree".
Cabdu Allaahi Ibnu Al Zubayr\‫ عبد هللا إبن الزبير‬intuu Kacbada dumiyay ayuu dib u dhisay.
Markaasuu isagoo Xadiithka ay habaryartiis Caa'ishah\‫ عائشة‬u warisay daliil ka dhiganaya,
ayuu sadeexdii mitir oo Al Xijru\‫ الحجر‬ku jirtay Kacbada dhex geliyay oo uu ka mid dhigay,
una yeelay albaab labaad ee galbeed, albaabka qorrax kasoo baxna dhulka ku dhejiyay, taagga
Kacbadana uu ku daray sagaal dhudhun: Ibraahiim\‫ إبراهيم‬wuxuu taaggeeda ka dhigay sagaal
dhudhun, Quraysh\‫ قريش‬waxay ku kordhisay sagaal dhudhun, Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayrna
\‫ عبد هللا إبن الزبير‬wuxuu ku daray sagaal dhudhun oo kale, oo sidaas ayay waxay ku noqotay
toddoba iyo labaatan dhudhun, siduu Abuu Al Waliid Al Azraqii\‫ أبوالوليد األزرقي‬ugu wariyay
kitaabkiisa aan soo sheegnay juzka koowaad bogga laba boqol iyo sideed. Cabdu Allaahi ibnu
Cabbaas\‫عبد هللا إبن عباس‬, Allaha raalli isaga iyo aabihiisba ka noqdee, Makkah \‫ مكة‬uma soo
dhowaan marka la dumiyay, oo ahayd maalin sabti ah ee nuska bisha Jamaaul Aakhirah ‫جماد‬
‫ اآلخرة‬ee sanadka afar iyo lixdan, kaddib marka dab la soo tuuray uu Kiswadeeda\‫ الكسوة‬ku
dhegay oo ay gubatay, kumana uusan soo laaban ilaa dib loo dhisay, siduu Al Azraqii \‫ األورقي‬u
wariyay.
Xadiithkaas ay Caa'ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, waa sidatan, oo waxay tiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu igu yiri:
185
‫ وألزقته‬,‫ فأدخلت فيه ما أخرج منه‬،‫ لو ال أن قومك حديث عهد بجاهلية ألمرت بالبيت فهدم‬،‫"يا عائشة‬
".‫ فبلغت به أساس إبراهيم‬،‫ وبابا غربيا‬،‫ بابا شرقيا‬،‫ وجعلت له بابين‬،‫باألرض‬
"Yaa Caa'ishatu, Law laa anna qawmaki xadiithu cahdin bi jaahiliyyatin la amartu bi Al
Bayti fa hudima, fa adkhaltu fiihi maa ukhrija minhu, wa alzaqtuhu bi al ardi, wa jacaltu
lahu baabayni, baaban sharqiyyan, wa baaban gharbiyyan, fa balaghtu bihi asaasa
Ibraahiima."
Waana Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sideetan ee Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Xadiithka
kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo soddon ee Muslim\‫مسلم‬, macnihiisuna waxaa weeye:
"Caa'ishoy،‫ عائشة‬, haddayan qawmkaagu ahaan lahayn mid waqti dhow jaahiliyada kasoo
baxay, waxaan amri lahaa Baytka, oo markaas la dumin lahaa. Markaasaan soo dhex gelin
lahaa wixii laga saaray, waxaanna (albaabkiisa) ku dhejin lahaa dhulka, waxaanna u yeeli lahaa
labo albaab: albaab qorrax kasoo bax ku yaalla iyo albaab qoraax u dhac ku yaalla, waxaanna
gaarsiin lahaa aasaaska Ibraahiim‫ إبراهيم‬."
Toban. Dhismaha Al Xajjaaj bin Yuusuf\‫الحجاج بن يوسف‬
Marka tobanaad waxaa Kacbada dhisay Al Xajjaaj bin Yuusuf\‫ الحجاج بن يوسف‬markuu sanadku
ahaa afar iyo toddobaatan Hijrada.
Al Xajjaaj\‫ الحجاج‬Kacbada ma dumin, taaggeedana wax kuma uusan darin, ee intii uu Cabdu
Allaahi ibnu Al Zubayr\‫ عبد هللا إبن الزبير‬ka beddelay ayuu isaguna baabi'iyay, oo saddexdii mitir
ee Xijriga ayuu ka saaray, albaabkii galbeedna wuu awday, albaabka qorrax kasoo baxna
dhulka ayuu kor uga qaaday, oo wuxuu kusoo celiyay siday ahayd oo uu ku arkay Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna siday maanta tahay.
Kow iyo toban. Dhismaha Suldhaan Muraad\‫السلطان مراد‬
Marka kow iyo tobnaad waxaa Kacbada dhisay Suldaanka magaciisu yahay Muraad Al
Cuthmaanii\‫ لسلطان مراد العثماني‬, markuu sanadku ahaa kun iyo afartan Hijriga.
Labo iyo toban. Dhismaha Malik Fahd bin Cabdu Al Caziizi\‫ملك فهد بن عبد العزيز‬
Marka laba iyo tobnaad oo ugu dambeysey waxaa dhisay Boqor Fahd bin Cabdu Al Caziizi ‫ملك‬
\‫فهد بن عبد العزيز‬, markuu sanadku ahaa kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo toban Hijriga.
Cabbirrada Kacbada
Kacbada taaggeeda ay xagga Samada u taagantahay waa afar iyo toban mitir. Wajigeeda
albaabku ku yaallo dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan sentiimitir.
Dhererka wajigeeda Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬xiga waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo
labaatan sentiimitir. Dhererka dhabarkeeda oo ah dhinaca albaabka ku beegan oo ka soo
horjeeda, una dhexeeya Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \‫الركن اليماني‬
waa laba iyo toban mitir iyo kow iyo toban sentiimitir. Dhererka wajigeeda laba Rukni, oo kala
ah Al Ruknu Al Aswadu\‫ الركن األسود‬oo uu Xajarul Aswadku\‫ الحجر األسود‬ku jiro iyo Al Ruknu
Al Yamaaniyyu\‫ الركن اليماني‬waa kow iyo toban mitir iyo labo iyo konton sentiimitir.
186
Kacbada gudeheeda
Kacbada gudeheeda waxaa ku jira saddex udub oo qori ah oo saqafkeeda haya. Udub kasta
jirmigiisu waa afar iyo afartan sentiimitir. Labadii udubba waxay isku jiraan laba mitir iyo shan
iyo soddon sentiimitir. Albaabka waxaa ku beegan mixraab\‫محراب‬, ay u badan tahay in laga
dhisay bartuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday Kacbada
dhexdeeda, maalintuu Makkah\‫ مكة‬furtay. Waxaa Ibnu Cumar\‫إبن عمر‬, Allaha labadoodaba
raalli ka noqdee, laga wariyay in hadduu Kacbada galo uu foolkiisa u socon jiray, oo uu
albaabka dhabarkiisa xijin jiray, oo markay isaga iyo darbiga albaabka kasoo horjeeda ay u
dhexeyso qiyaas saddex dhudhun, halkaas ayuu ku tukan jiray, isagoo ku beegaya bartii loo
sheegay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday.
Saqafka Kacbada
Saqafka Kacbadu wuxuu ka sameysan yahay dhagaxa marmar cad, waxaana ku wareegsan
darbi yar oo taaggiisu yahay sideetan sentiimitir. Saqafka korkiisa waxaa ah udubbo adadag oo
Kiswada\‫ الكسوة‬Kacabada lagu xiro. Dhalada Kacbada waxaa ku taalla Fatxah\‫ فتحة‬oo ah dalool
cabbirkeedu yahay hal mitir iyo toddoba iyo labaatan sentiimitir hal dhinac, dhinaca kalena hal
mitir iyo afar sentiimitir oo uu dabool macdan ah saaran yahay, lana furo marka Kacbada la
dhaqayo iyo marka Kiswada\‫ الكسوة‬laga beddelayo. Saqafka waxaa lagu fuulaa jaranjaro
Kacbada gudeheeda kasoo baxda, lagana soo galo albaabka la yiraahdo Baabu Al Tawbah ‫باب‬
\‫ التوبة‬oo Kacbada gudeheeda ku yaalla.
Al Shaatharwaanu\‫الشاذروان‬
Al Shaatharwaan\‫ الشاذروان‬waxaa la yiraahdaa darbiga gaaban oo buuran oo darbiyada
Kacbada salkeeda ku yaalla, oo Madhaafka xigah, intaan ahayn Wajiga Kacbada ee Xijru
Ismaaciil\‫ حجر أسماعيل‬u jeeda, oo Wajigaas Shaatharwaan\‫ الشاذروان‬kuma yallo, waxaase ku
yaalla Catab\ah‫ عتبة‬ama Xakabad ka mid ah asliga Kacbada.
Al Shaatharwaaanu\‫ الشاذروان‬wuxuu dhulka ka kacsan yahay saddex iyo toban sentiimitir,
ballaciisuna waa shan iyo afartan sentiimitir, waxaana korkiisa ku istaaga dadka Guriga soo
booqday, oo intay wajiyadooda iyo dhudhummadooda iyo caloolohooda darbiga Kacbada ku
dhejiyaan, oo ay is jejebiyaan oo ay booyaan, ayay Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫سبحانه وتعالى‬, baryaan.
Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬wuxuu ka mid yahay asalka darbiga Kacbada Wayn markay ku
taagnayd asaaska Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu.
Markaasey Quraysh\‫ قريش‬markay Kacbada dumisay, si ay dib ugu dhisto, oo uu aasaaskii
muuqday, ayay markay dhisaysey intuu Shaatharwaanku\‫ الشاذروان‬yahay darbiga Kacbada ka
naaqusisay oo ka tagtay.
Waxaa kaloo la yiri inuu Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\‫عبد هللا إبن الزبير‬, Allaha isaga iyo
qoyskiisaba raalli ka noqdee, uu Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬dhisay si uu uga ilaaliyo darbiga
Kacbada Sharafta leh daadadku inay galaan, iyo in lagu xiro xargaha haya Kiswada Kacbada
oo lagu xiro dugaagadaha ku yaalla Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬, iyo si jirarka kuwa
187
dhawaafaya ayan ku xoqan Kiswada\‫ الكسوة‬iyo darbiga Kacbada, oo markuu dadku badanyahay
oo uu is ciriiryayo ayan jirkooda sidaas dhibaato ugu keenin, Kiswaduna ayan si dhakhso ah
ugu duugoobin.
Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬waxaa ku suran saddex iyo afartan dugaagadood oo nuxaas ah,
Xakabadda Xijru Ismaaciilna\‫ حجر إسماعيل‬laba iyo toban dugaagadood, oo ayaguna nuxaas ka
sameysan, oo dhammaantood xargaha Kiswada Kacbada lagu xiro.
Shaatharwaanku\‫ الشاذروان‬wuxuu ka dhisan yahay dhagax sulub ah oo nooca marmarka ugu
qaalisan ah, dhagaxaasoo ay Kacbaduna ka dhisan tahay.
Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬waxaa dib loo cusbooneysiiyay kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo
toban Hijrada, markii Kacbada dib loo dhisay, oo marmarkii hore oo duugga ahaa laga
beddelay.
Dhererka Al Shaatharwaanu\‫ الشاذروان‬waa sidatan: xagga darbiga Kacbada ee albaabku ku
yaallo waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan sentiimitir; labada Rukni dhexdoodana
waa kow iyo toban mitir iyo laba iyo konton sentiimitir; xagga darbiga Kacbada ee Al Ruknu
Al Yamaaniyyu\‫ الركن اليماني‬iyo Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬u dhexeeya, oo ah dhabarka
Kacbada dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo kow iyo toban sentiimitir.
Xakabadda Xijru Ismaaciilna\‫ عتبة حجر إسماعيل‬dhererkeedu waa kow iyo toban mitir iyo sideed
iyo labaatan sentiimitir.
Harka Kacbada\‫ظل الكعبة‬
Harka ama hooska Kacbadu waa harka adduunkaan ugu khayr badan, oo waa harka Guriga
Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫بيت هللا عزوجل‬. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
harkaas wuu fariisan jiray.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Khabaab bin Al Arat\‫خباب بن األرت‬, Allaahi raalli ka noqdee, ka
wariyay inuu yiri:
"Waxaan u ashtakoonnay (waana bilowga Islaamka, markay Muslimiintu tiro yar ahaayeen,
Makkana\‫ مكة‬ay gaaladu ku cathaabi jirtay) Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, isagoo go' uu leeyahay ku barkan Kacbada harkeeda."
Waana Xadiithka lix kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo afartan ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
Al Faakihi\‫ الفاكهي‬wuxuu Akhbaaru Makkah\‫ أخبار مكة‬ku wariyay inuu Muxammad bin Suuqah
\‫ محمد بن سوقة‬yiri:
"Waxaan la joognay Saciid bin bin Jubayr\‫ سعيد بن جبير‬harka Kacbada, markaasuu wuxuu yiri:
"Adinku waxaad hadda ku sugan tihiin harka ugu kariimsan oo arliga wajigiisa ku kor yaalla."
Al Kiswatu\‫الكسوة‬
Kiswah\‫ الكسوة‬waxaa la yiraahdaa marada Kacbada loogu arratiro, oo loo labbiso, oo kasaa
macneheedu waxaa weeye waa u arratiray. Kiswada Kacbadu waxay ka sameysan tahay xariir
188
saafi ah, oo rinji madow la geliyay. Kiswada oo idilna waxaa lagu falkiyay oo ku tolan, ayadoo
lagu soo celceliyay, muuqaalka toddoba Carabi ahna leh, oo sabcah\‫ سبعة‬ah:
‫ يا‬،‫ يا حنان‬،‫ يا هللا‬.‫ سبحان هللا العظيم‬،‫ سبحان هللا وبحمده‬،‫ محمد رسول هللا‬،‫"ال إله إال هللا‬
".‫منان‬
"Laa ilaaha illaa Allaahu, Muxammadun Rasuulu Allaahi. Subxaana Allaahi wa bi
xamdihi, Subxaana Allaahi Al Cathiimi. Yaa Allaahu, Yaa Xannaanu, Yaa Mannaanu."
Kiswadu waxay ka kooban tahay shan go', afar loo labbiso afarta darbi ee Kacbada iyo Al
Sattaaratu\‫ الستارة‬oo albaabka Kacbada loo labbiso.
Kiswada waxaa gudaha looga tolaa maro cad, oo ah toddoba iyo afartan daaqadood oo ay
daaqaddiiba dhererkeedu yahay afar iyo toban mitir, ballaceeduna shan iyo sagaashan
sentiimitir. Markii Kiswada saddex meelood loo qaybiyo daloolka kore hoostiisa waxaa ku
yaalla Al Xizaamu\‫الحزام‬, oo macnihiisu yahay Suunka. Suunka waxaa ku dhigan Aayado
Quraan ah. Suunka hoostiisa waxaa ku yaalla goobo kale oo ayagana Quraan lagu dhigo.
Sanad walba Kacbada waxaa loo labbisaa Kiswo cusub, oo lagu sameeyo warshad loogu talo
galay oo Makkah\‫ مكة‬ku taalla, oo Kiswadii ugu horreysey soo saartay markuu sanadku ahaa
kun iyo saddex boqol iyo lix iyo afartan. Markaas ka hor waxaa Kiswada inta badan laga keeni
jiray dalalka Masar\‫ مصر‬iyo Yaman\‫يمن‬.
Kacbada waxaa Kiswada cusub loo labbisaa Maalinta Sagaalaad ee bisha Thul Xajjah \‫ذوالحجة‬,
oo ah Maalinta Carafo\‫ عرفة‬ee Xajka, waxaana Kiswadaas daboolka laga feydaa maalinta
Ciidul Adxaa\‫عيد األضحى‬, oo Kacbadu labbiskeeda cusub la arkaa.
Cabbirrada Kiswada
Taagga Kiswadu ay kor u taagan tahay waa afar iyo toban mitir. Culayska xariirta saafiga ah
oo ay Kiswadu ka sameysan tahayna waa lix boqol iyo toddobaatan kiiloograam. Ballaceeda
xagga wajiga albaabka Kacbadu ku yaallo waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo lixdan
sentiimitir. Ballaca Kiswadu inta labada Rukni, oo kala ah Xajarul Aswadku \‫الحجر األسود‬
Rukniguu ku jiro iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \‫ الركن اليماني‬inta u dhexeysa waa toban mitir iyo
sideed iyo toban sentiimitir. Ballaceedu xagga wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil ku jeedana
waa sagaal mitir iyo sagaashan sentiimitir. Ballaceedu xagga dhabarka Kacbadana waa laba iyo
toban mitir iyo afar sentiimitir. Kiswadu waxay ku fadhidaa lix boqol iyo sideed iyo konton
mitir oo wareegsan. Suunka dhererkiisu, afarta waji oo Kacbadaba, waa shan iyo afartan mitir,
ballaciisuna waa shan iyo sagaashan sentiimitir.
Quraanka Kiswada ku dhigan
Aayadaha Quraanka ah ee Kiswada ku dhiganna waxaa lagula dhigay dun dahab ah. Suunka
Kacbadu\‫ حزام الكعبة‬wuxuu ka kooban yahay lix iyo toban gabal, ayadoo uu waji walba ee
Kacbada ay afar gabal ku yaalliin. Lix iyo tobankaas gabal dhererkooda iyo waxa ku dhiganba
waa sida soo socota.
189
Kow. Wajiga albaabka Kacbada. Afarta gabal oo wajigaan ku yaalla waxay kala yihiin:
(Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo sagaal iyo sideetan sentiimitir, waxaana ku
dhigan:
ِ ِ ِ
ِ ِ َّ
ِ ِ
".‫صلًّى‬
َ ‫ َوِا ْذ َج َعْل َنا اْل َب ْي‬.‫"بسم هللا الرحمن الرحيم‬
َ ‫يم ُم‬
َ ‫ت َمثَ َابةً ل َّلناس َوأ َْمًنا َواتخ ُذوا م ْن َمقَام إ ْب َراه‬
Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo qaybta hore ee Aayadda boqol iyo shan iyo
labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬: "Wa ith jacalnaa Al Bayta mathaabatan
lilnnaasi wa amnan wa ittakhathuu min Maqaami Ibraahima Musallan" oo macneheedu
yahay: "Xusuuso markaan ka yeelay Baytka meel dadku ku kulmo iyo nabadgelyo, kana
ِ ِ ِ
yeesha Maqaamka Ibraahim‫يم‬
َ ‫ َمقَام إ ْب َراه‬meel lagu tukado".
(Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku dhigan
qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo shan iyo labaatanaas ee Suuratu Al Baqarah:
ِِ
ِِ َّ ِ ِ
ِ ‫اهيم وِاسم‬
ِ ِ ِ ِ
ِ ‫ُّج‬
‫ود‬
ُّ ‫ين َو‬
َ ‫اع‬
ْ ‫يل أ‬
ُ ‫الرَّك ِع الس‬
َ ‫ين َواْل َعاكف‬
َ ‫َن طَهِّ َار َب ْيت َي للطائف‬
َ ْ َ َ ‫َو َعه ْد َنا إلَى إ ْب َر‬
"Wa cahidnaa ilaa Ibraahima wa Ismaaciila an dhahhiraa Baytii lildh-dhaa'ifiina wa al
caakifiina wa al rukkaci al ssujuudi" oo macneheedu yahay: "Waxaan u waxyoonnay
Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil\‫ إسماعيل‬inay u daahiriyaan Gurigayga kuwa dhawaafaya, kuwa
ku ictikaafaya iyo kuwa rukuuci ee sujuudi."
(Saddex) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo afar iyo toban sentiimitir, waxaana ku
dhigan Aayadda boqol iyo toddoba iyo labaatan ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ
ِ
ِ ‫اع َد ِمن اْلب ْي ِت وِاسم‬
ِ ‫اهيم اْلقَو‬
ِ ِ
‫يم‬
ْ ‫اعي ُل َرب ََّنا تَقَب‬
َ ‫َّل ِمنَّا إَِّن َك أ َْن‬
َْ َ َ َ
ُ ‫ت السَّميعُ اْل َعل‬
َ ُ ‫َوِا ْذ َي ْرفَعُ إ ْب َر‬
"Wa ith yarfacu Ibraahimu al qawaacida mina Al Bayti wa Ismaaciilu Rabbanaa
taqabbal minnaa Innaka Anta Al Ssamiicu Al Caliimu" oo macneheedu yahay: "Xusuuso
markuu kor yeelay Ibraahim‫ إبراهيم‬qawaacidda (aasaaska) Baytka iyo Ismaaciil‫إسماعيل‬,
ayagoo leh: Rabbigeenow, naga aqbal adaa waxna maqla maxna oge."
(Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo sideed iyo soddon sentiimitir, waxaana ku
dhigan Aayadda boqol iyo sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ َّ ‫ت التََّّواب‬
ِ ‫ُمةً مسلِمةً لَ َك وأ َِرَنا م َن‬
ِ
ِ
ِ
‫يم‬
َ ‫ب َعلَْي َنا إَِّن َك أ َْن‬
ْ ُ‫اس َك َنا َوت‬
ْ ‫َرب ََّنا َو‬
ُ
َ َ
َ ْ ُ َّ ‫اج َعْل َنا ُم ْسل َم ْي ِن لَ َك َوم ْن ُذِّريَّت َنا أ‬
ُ ‫الرح‬
"Rabbanaa wa ajcalnaa muslimayni laka wa min thurriyatinaa ummatan muslimatan
laKa wa arinaa manaasikanaa wa tub calaynaa Innaka Anta Al Tawwaabu Al Rraxiimu"
oo macneheedu yahay: "Rabbigeenow, naga yeel kuwa kuu hoggaansama, ubadkeenana ka
yeel ummad kuu hoggansanta, nana tusi manaasikteenna (xajka sida loo guto), nagana tawbad
aqbal, Adigaa tawbadda aqbal badane, Wanaag badanena ahe."
190
Labo. Wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬ku jeeda:
(Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex iyo labaatan, waxaana ku dhigan:
Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo qaybta hore ee Aayadda boqol iyo toddoba iyo
sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
‫ال ِفي‬
َ ‫وق َوََّل ِج َد‬
َ َ‫ض ِفي ِه َّن اْل َح َّج فَ ََل َرف‬
ٌ ‫وم‬
َ ‫ث َوََّل فُ ُس‬
َ ‫ات فَ َم ْن فَ َر‬
َ ُ‫ اْل َح ُّج أَ ْشهٌُر َم ْعل‬.‫"بسم هللا الرحمن الرحيم‬
".‫اْل َح ِّج‬
"Al Xajju ash-hurun macluumaatun fa man farada fiihinna al xajja fa laa rafatha wa laa
fusuuqa wa laa jidaala fii al xajji" oo macneheedu yahay: "Xajku waa bilo la yaqaan, ee
ruuxii gudagala bilahaas xajka (oo xajka gudanaya) isla gogol gal (nin iyo haweentiisa), fisqi
(oo ah daacadda Ilaahay oo laga baxo) iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa".
(Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo sideed iyo soddon sentiimitir, waxaana ku
dhigan qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah
\‫سورة البقرة‬:
ِ ‫ون َيا أُولِي ْاْلَْل َب‬
َّ ‫و َما تَ ْف َعلُوا ِم ْن َخ ْي ٍر َي ْعلَ ْمهُ اللَّهُ وتََزَّوُدوا فَِإ َّن َخ ْي َر‬
ِ ُ‫الزِاد التَّ ْق َوى َواتَّق‬
‫اب‬
َ
َ
"Wa maa tafcaluu min khayrin yaclamhu Allaahu wa tazawwaduu fa inna khayra al
zzaadi al taqwaa wa attaquunii yaa uulii al albaabi" oo macneheedu yahay: "Waxaad
fashaan oo khayr ah wuu ogaan Ilaahay ee sahay qaata, sahay tan ugu khayr badanna waa
dhawrsashada, ee iga dhawrsada, kuwa caqliga lahow."
(Saddex) Gabalkaan dhererkeedu waa laba boqol iyo labo iyo konton, waxaana ku dhigan
qaybta hore ee Aayadda boqol iyo sideed iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ٍ َ‫ضتُم ِمن عرف‬
ِ ْ َ‫اح أَن تَْبتَ ُغوا ف‬
ِ
‫ات فَا ْذ ُك ُروا اللَّهَ ِع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرِام‬
ْ ٌ ‫لَ ْي َس َعلَْي ُك ْم ُج َن‬
َ َ ْ ْ ْ َ‫ض ًَل م ْن َرِّب ُك ْم فَإ َذا أَف‬
"Laysa calaykum junaaxun an tabtaghuu fadlan min Rabbikum fa ithaa afadtum min
Carafaatin fa uthkuruu Allaaha cinda Al Mashcari Al Xaraami" oo macneheedu yahay:
"Korkiinna wax dhib ah ma aha haddaad fadliga Rabbigiin (waa xajka oo socda oo la
ganacsado) ee markaad kasoo gaddoontaan Carafo, ku xusa Ilaahay Al Mashcaru Al Xaraam
\‫ المشعر الحرام‬agtiisa".
(Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa boqol iyo sagaal iyo sagaashan sentiimitir, waxaana ku
dhigan qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo sideed iyo sagaashan ee Suuratu Al Baqarah ‫سورة‬
\‫البقرة‬:
ِ ِِ ِ
ِّ
‫ين‬
َ ‫َوا ْذ ُك ُروهُ َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال‬
191
"Wa uthkuruuhu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi la mina al ddaalliina" oo
macneheedu yahay: "Una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiis
kuwa lunsan."
Waxaa kaloo ku dhigan Aayadda boqol iyo sagaal iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah
\‫سورة البقرة‬:
ِ
ِ ‫الناس و‬
ِ
َّ
َّ
‫يم‬
ُ ‫يضوا ِم ْن َح ْي‬
َ َ‫ث أَف‬
ُ ‫ثَُّم أَف‬
ْ َ ُ َّ ‫اض‬
ٌ ُ‫استَ ْغف ُروا اللهَ إِ َّن اللهَ َغف‬
ٌ ‫ور َرح‬
"Thumma afiiduu min xaythu afaada al naasu wa istaghfiruu Allaaha inna Allaaha
Ghafuurun Raxiimun" oo macneheedu yahay: "Markaas ka gaddooma meeshuu dadku ka
gaddoomayo, dambidhaafna weydiista Ilaahay, oo Ilaahay waa Dambidhaafe Naxariistee."
Saddex. Dhabarka Kacbada.
(Kow) Gabalkaan dhererkeedu waa saddex boqol iyo sideed iyo labaatan sentiimitir, waxaana
ku dhigan:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratu Al
Xajji\‫سورة الحج‬:
ِِ
ِِ َّ ِ ِ
ِ
ِ ِِ
‫ين‬
ْ ‫ان اْل َب ْيت أ‬
َ ‫ين َواْلقَائم‬
َ ‫َن ََّل تُ ْش ِر ْك بِي َش ْيًئا َوطَهِّ ْر َب ْيت َي للطائف‬
َ ‫يم َم َك‬
َ ‫ َوِا ْذ َب َّوأ َْنا ْل ْب َراه‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫ُّجوِد‬
ُّ ‫َو‬
ُ ‫الرَّك ِع الس‬
"Wa ith bawwa'naa li Ibrahiima makaana Al Bayti an laa tushrik Bii shay'an wa
dhahhir Baytii lildh-dhaa'ifiina wa al qaa'imiina wa al rrukkaci al ssujuudi" oo
macneheedu yahay: "(Xusuus) markaan u muujinnay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬barta Baytka, Annagoo
ku dhihi ha la wadaajin Ilaahay (cibaadada) shayna, u daahirina Gurigeyga kuwa dhawaafaya
iyo kuwa taagan iyo kuwa ku rukuucsan ee sujuudsan."
(Laba) Gabalkaan dhererkeedu waa laba boqol iyo saddex iyo afartan sentiimitir, waxaana ku
dhigan Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji\‫سورة الحج‬:
ِ ِ ‫اَّل وعلَى ُك ِّل‬
ٍ ‫ين ِم ْن ُك ِّل فَ ٍّج َع ِمي‬
ِ ‫الن‬
َّ ‫َوأ َِّذ ْن ِفي‬
‫ق‬
َ ‫اس بِاْل َح ِّج َيأْتُو‬
َ
َ َ ً ‫ك ِر َج‬
َ ‫ضام ٍر َيأْت‬
"Wa ath-thin fii al nnaasi bi al xajji ya'tuuka rijaalan wa calaa kulli daamirin ya'tiina
min kulli fajjin camiiqin" oo macneheedu yahay: "Ogeysiina dadka xajka, ha kuu yimaadeen
ayagoo lugaynaya iyo mid rati caatoobey saaran kulligood, oo ka imaanaya jiha kasta oo
dheer."
(Saddex) Gabalkaan dhererkeedu waa saddex boqol iyo toddoba iyo soddon sentiimitir,
waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji ‫سورة‬
\‫الحج‬:
ٍ ُ‫َّام معل‬
ِ ِ َّ
ِ
ٍ
ِ ِ
‫يم ِة ْاْل َْن َع ِام فَ ُكلُوا ِم ْنهَا‬
ْ ‫ِل َي ْشهَ ُدوا َم َناف َع لَهُ ْم َوَي ْذ ُك ُروا‬
َ ‫ومات َعلَى َما َرَزقَهُ ْم م ْن َبه‬
َ ْ َ ‫اس َم الله في أَي‬
192
"Li yash-haduu manaafica lahum wa yathkuruu Isma Allaahi fii ayaamin macluumaatin
calaa maa razaqahum min bahiimati al ancaami fa kuluu minhaa" oo macneheedu yahay:
"Inay joogaan (u yimaadaan) nafcigooda dartiis, oo ay xusaan Magaca Ilaahay\‫ اسم هللا‬maalmo
la yaqaanno waxa uu Ilaahay ku arzuqay oo ah xayawaanka nicmooleyda ah."
(Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo afar sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta
dambe ee Aayadda sideed iyo labaatanaad iyo Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al
Xajji\‫سورة الحج‬:
ِ
ِ
ِ ْ َ‫وأ‬
ِ ‫ورُه ْم وْل َيطَّ َّوفُوا بِاْل َب ْي ِت اْل َعتِي‬
‫ق‬
ُ ‫) ثَُّم ْل َي ْق‬25( ‫طع ُموا اْل َبائ َس اْلفَق َير‬
َ َ ‫ضوا تَفَثَهُ ْم َوْل ُيوفُوا ُن ُذ‬
َ
"Wa adhcimuu al baa'isa al faqiira(28) Thumma layaqduu tafathahum wal yuufuu
nuthuurahum wal yadh-dhawwafuu bi Al Bayti Al Catiiqi(29)" oo macneheedu yahay: "Ka
cuna xaggeeda, quudiyana kan dhibaateysan ee faqiirka ah(28)Markaas ha dhammeeyeen
basaastooda, hana oofiyeen nuthuurtooda, hana dhawaafeen Baytka Horreeyey(29)".
Afar. Wajiga Kacbada ee u dhexeeya Xajarul Aswadka\‫ الحجر األسود‬iyo Al Ruknu Al
Yamaaniyuu\‫الركن اليماني‬.
(Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo afar iyo konton sentiimitir waxaana ku
dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda shan iyo sagaashanaad ee
Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آل عمران‬:
ِ
ِ ‫اهيم حنِيفًا وما َك‬
ِ
َّ ِ
َّ َ ‫ ُق ْل ص َد‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫ين‬
َ ‫ان م َن اْل ُم ْش ِرك‬
َ َ َ َ َ ‫ق اللهُ فَاتَّبِ ُعوا ملةَ إِ ْب َر‬
َ
"Qul saddaqa Allaahu fa attabicuu millata Ibraahiima xaniifan wa maa kaana mina al
mushrikiina" oo macneheedu yahay: "Dheh run ayuu sheegay Ilaahay, ee raaca Diinta
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬isagoo xaniif ah (oo xumaanta ka iishay) kamana mid ahayn mushrikiinta."
(Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo toddoba iyo lixdan sentiimitir, waxaana ku
dhigan Aayadda lix iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آل عمران‬:
ِ ِ
َِّ ِ ‫ضع لِ َّلن‬
ِ ٍ
ِ
‫ين‬
َ ‫اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم‬
َ ‫إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو‬
"Inna awwala Baytin wudica lil naasi lallathii biBakkata Mubaarakan wa hudan
lilcaalamiina" oo macneheedu yahay: "Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyay dadka waa
kan Bakka\‫ بكة‬ku yaalla, waana barakeysan yahay, hanuunna wuxuu u yahay caalamiinta."
(Saddex) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku dhigan
qaybta hore ee Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آل عمران‬:
ِ ‫اهيم ومن َد َخلَه َكان آ‬
ِ
ِ ‫ِف‬
‫َمًنا‬
ٌ ‫ات َبي َِّن‬
ٌ ‫يه آ ََي‬
ْ َ َ َ ‫ام إِ ْب َر‬
َ ُ
ُ َ‫ات َمق‬
193
"Fiihi Aayaatun bayyinaatun Maqaamu Ibraahiima wa man dakhalahu kaana aaminan"
ِ ‫مقَام إِ ْبر‬
oo macneheedu yahay: "Waxaa ku sugan Aayado cadcad, Maqaamu Ibraahimunaََ ‫اهيم‬
َ ُ َ
(waa ku yaallaan aayaadkaas), qofkii galana wuxuu ahaanayaa aamin."
(Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku yaalla
qaybta dambe ee Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آل عمران‬:
ِ
ِ َّ
ِ
ِ ِ ‫الن‬
َّ ‫َولِلَّ ِه َعلَى‬
‫ين‬
ً ِ‫اع إِلَ ْي ِه َسب‬
َ َ‫استَط‬
َ ‫يَل َو َم ْن َكفَ َر فَِإ َّن اللهَ َغن ٌّي َع ِن اْل َعالَم‬
ْ ‫اس ح ُّج اْل َب ْيت َم ِن‬
"Wa li Allaahi calaa al naasi xijju Al Bayti mani istadhaaca ilayhi sabiilan wa man
kafara fa Inna Allaahu Ghaniyyun cani al caalamiina" oo macneheedu yahay: "Ilaahayna
wuxuu ku leeyahay dadka xajka Baytka\‫ البيت‬qofkii kara jidka, qofkii gaaloobana Ilaahay
Ilaahay waa ka kaaftoonyahay caalamiinta."
Suunka Kacbada hoostiisa
Kiswada waxaa kaloo dhan walba ee afarta waji ee Kacbada uga yaalla labo gabal iyo saddex
misbaax ama faynuus (waa muuqaal ahaan), intaan ahayn wajiga albaabku ku yaallo, oo
wajigaas waxaa ku yaalla hal gabal oo weyn oo keli ah, lana yiraahdo Al Ihdaa'u\‫اإلهداء‬. Sidaas
ayay gaballada afarta waji ku yaalla waxay wadartoodu noqoneysaa toddoba gabal iyo laba iyo
toban faynuus.
Rukni walba ee arkaanta Kiswadana waxaa ku yaalla cad afar geesood ah, lana yiraahdo Al
Samadiyatu\‫( الصمدية‬waa saadka shiinka ku xigah), ayna ku dhigan yihiin Suuradda Qul Huwa
Allaahu\‫سورة قل هو هللا أحد‬:
ِ
َّ
َّ
)4( ‫َح ٌد‬
َ ‫) َولَ ْم َي ُك ْن لَهُ ُكفُ ًوا أ‬3( ‫) لَ ْم َيل ْد َولَ ْم ُيولَ ْد‬5( ‫َّم ُد‬
َ ‫ ُق ْل ُه َو اللهُ أ‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ ‫) اللهُ الص‬1( ‫َح ٌد‬
go' walbana wuxuu le'egyahay shan iyo sideetan sentiimitir oo dhinac ah iyo labo iyo sideetan
sentiimitir oo dhanka kale ah.
Intay faynuusaha saddexda ah ee afarta waji ku yaalla oo soo noqnoqonayana, ku fadhiyaan iyo
waxa ku dhiganna waa sidatan:
(Kow) Faynuusta koowaad waxay ku fadhidaa laba iyo toddobaatan sentiimitir oo dhinac ah
iyo sideed iyo konton sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan:
Al Xamdu Li Allaahi Rabbi Al Caalamiina\‫الحمد هلل رب العالمين‬.
(Laba) Faynuusta labaad waxay ku fadhidaa lix iyo afartan sentiimitir oo dhinac ah iyo shan
iyo lixdan sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan:
Yaa Xayyu Yaa Qayyuumu\‫ يا حي يا قيوم‬.
(Saddex) Faynuusta saddexaad waxay ku fadhidaa lix iyo afartan sentiimitir oo dhinac ah iyo
shan iyo lixdan sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan:
Yaa Raxmaanu Yaa Raxiimu\‫يا رحمن يا رحيم‬.
194
Sidaas ayay yihiin laba iyo tobanka faynuusood oo afarta waji ku yaalla iyo waxa ku wada
dhigan.
Toddobada gabalna waxay kala yihiin sidatan:
(Kow) Wajiga Kacbada ee albaabku ku yaallo, waxaana ku yaalla hal gabal oo la yiraahdo
Al Ihdaa'u,\‫ اإلهداء‬cabbirkiisuna yahay afar boqol iyo sagaashan sentiimitir, waxaana ku dhigan
"Kiswadaan waxaa lagu sameeyey Makkata Al Mukarramati\‫مكة المكرمة‬, waxaana Kacbada
Sharfan u hadiyeeyey Khaadimu Al Xaramayni Al Shariifeyni Al Maliku Fahd bin Cabdu Al
Caziizi aala Sacuud\‫خادم الحرمين الشريفين الملك فهد بن عبد العزيز آل سعود‬. Allaha ka aqbalo".
Wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬ku jeeda, ahna jihada Waqooyi waxaa ku
yaalla laba gabal, oo kala ah
(Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo afartan sentiimitir, waxaana ku
dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo Aayadda sagaal iyo afartanaad ee
Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
ِ َّ ‫ َنبِّئ ِعب ِادي أَِّني أ ََنا اْل َغفُور‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫يم‬
َ ْ
ُ
ُ ‫الرح‬
"Nabbi' cibaadii Annii Anaa Al Ghafuuru Al Rraxiimu" oo macneheedu yahay: "U sheeg
addoomadeyda inaan Anigu Dambidhaafe Naxariista ahay."
(Laba) Gabalka labaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo saddex iyo afartan sentiimitir,
waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda boqol iyo lix iyo sideetanaad ee Suuratu Al
Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ ٌ ‫وِا َذا َسأَلَ َك ِع َب ِادي َعِّني فَِإِّني قَ ِر‬
َّ َ‫يب َد ْعوة‬
ِ ‫اع إِ َذا َد َع‬
‫ان‬
ِ ‫الد‬
َ ُ ‫يب أُج‬
َ
"Wa ithaa sa'alaka cibaadii cannii fa Innii qariibun ujiibu dacwata al daacii ithaa
dacaani" oo macneheedu yahay: "Hadday ku warsadaan addoomadeydu xagayga, Anigu waan
dhowahay, waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan."
Dhabarka Kacbada, oo albaabka kasoo horjeeda\‫ظهر الكعبة‬. Waxaa ku yaalla laba gabal oo
kala ah:
(Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisu waa laba boqol iyo afar iyo afartan sentiimitir, waxaana
ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda toddoba iyo afartanaad ee
Suuratu Al Axzaab:
ِ
َّ ‫ين بِأ‬
‫ير‬
‫ض ًَل َكبِ ًا‬
ْ َ‫َن لَهُ ْم ِم َن اللَّ ِه ف‬
َ ‫ َوَب ِّش ِر اْل ُم ْؤ ِمن‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
"Wa bash-shiri al mu'miniina bi anna lahum mina Allaahi fadlan kabiiran" oo
macneheedu yahay: "Ee u bishaaree mu'miniinta inay xagga Ilaahay ku leeyihiin fadli (deeq
dheeraad ah) weyn."
195
(Laba) Gabalka labaad, waxaana ku dhigan Aayadda boqol iyo toban ee Suuratu Al Nisaa'i ‫سورة‬
\‫النساء‬:
ِ ‫ظلِم َن ْفسه ثَُّم يستَ ْغ ِف ِر اللَّه ي ِجِد اللَّه َغفُ ا‬
‫يما‬
ََ
ْ َ ُ َ ْ ْ ‫وءا أ َْو َي‬
ً ‫َو َم ْن َي ْع َم ْل ُس‬
ً َ
ً ‫ور َرح‬
"Wa man yacmal suu'an aw yathlim nafsahu thumma yastaghfiri Allaaha yajidi Allaaha
Ghafuuran Raxiiman" oo macneheedu yahay: "Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa
(dambaaba), markaas dambidhaaf warsada Ilaahay, wuxuu ka heli (ogaanna) Isagoo
Dambidhaafe ah, Naxariistana."
Wajiga Kacbada ee Xajarul Aswada‫ الحجر األسود‬iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu\‫ الركن اليماني‬u
dhexeeya. Waxaa ku yaalla laba gabal oo kala ah:
(Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo labo iyo afartan sentiimitir,
waxaana ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda laba iyo
soddonaad ee Suuratu Al Xajji\‫سورة الحج‬:
ِ ُ‫ َذلِ َك وم ْن ُي َعظِّم َش َعائِر اللَّ ِه فَِإَّنها ِم ْن تَ ْقوى اْل ُقل‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫وب‬
َ
َ
ْ
ََ
َ
"Thaalika wa man yucath-thim shacaa'ira Allaahi fa innahaa min taqwaa al quluubi" oo
macneheedu yahay: "Waa sidaas qofkii weyneeya amarrada Ilaahay (Sharcigiisa), taasi waa
dhawrsashada quluubta."
(Laba) Gabalka labaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo toddoba iyo soddon sentiimitir,
waxaana ku dhigan Aayadda labo iyo sideetanaad ee Suuratu Dhaahaa‫سورة طه‬:
ِ
ِ
‫اهتَ َدى‬
ْ ‫صالِ ًحا ثَُّم‬
َ َ‫َوِاِّني لَ َغفَّ ٌار ل َم ْن ت‬
َ ‫َم َن َو َعم َل‬
َ ‫اب َوآ‬
"Wa Innii la Ghaffaarun liman taaba wa aamana wa camila saakixan thumma ihtadaa"
oo macneheedu yahay: "Anigu waan u dhaafid badanahay qofkii tawbad keena, oo rumeeya oo
fala wanaagga oo hanuuna."
Sataarada albaabka Kacbada
Sataarada albaabka Kacbada oo ayaduna Kiswada ka mid ah waxaa la yiraahdaa Al Burquc
\‫البرقع‬. Daahaas taaggiisu waa lix mitir iyo laba iyo soddon sentiimitir, ballaciisuna waa saddex
mitir iyo soddon sentiimitir. Sataarda hareereheeda waxaa ku dhigan, oo sideed dugaadadood
ku dhex jira, "‫هللا ربي‬Allaahu Rabbii" oo macneheedu yahay "Ilaahay ayaa Rabbigayga ah".
Sataarada dhexdeedana waxaa ku dhigan , ayagoo saddex dugaagadood ku dhex jirah, " ‫حسبي‬
‫هللا‬Xasbiya Allaahu" oo macneheedu yahay "Ilaahay ayaa aniga igu filan" Darfeheedana
waxaa ku dhigan \‫سورة الفاتحة‬Suuratu Al Faatixah oo toban dugaagadood ku dhex jirtah.:
196
ِ
ِ ‫الد‬
ِّ ‫) َمالِ ِك َي ْوِم‬3( ‫الرِح ِيم‬
ِّ ‫) اْل َح ْم ُد لِلَّ ِه َر‬1( ‫الرِح ِيم‬
‫َّاك َن ْعُب ُد‬
َّ ‫الر ْح َم ِن‬
َّ )5( ‫ين‬
َّ ‫الر ْح َم ِن‬
َّ ‫بِ ْسِم اللَّ ِه‬
َ ‫) إِي‬4( ‫ين‬
َ ‫ب اْل َعالَم‬
َِّ َ ‫ص ار‬
ِ
ِ
ِ
ِ ‫ض‬
‫وب َعلَ ْي ِه ْم َوََّل‬
ِّ ‫اهِد َنا‬
َ ‫الص َار‬
َ ‫َوِاي‬
ْ )2( ‫ين‬
َ ‫ين أ َْن َع ْم‬
ُ ‫ت َعلَْي ِه ْم َغ ْي ِر اْل َم ْغ‬
َ ‫ط الذ‬
ُ ‫َّاك َن ْستَع‬
َ )2( ‫يم‬
َ ‫ط اْل ُم ْستَق‬
ِّ
)3( ‫ين‬
َ ‫الضَّال‬
Sataarada dhankeeda kore waxaa ku dhigan Aayadda boqol iyo afar iyo afartan ee Suuratu Al
Baqarah\‫ سورة البقرة‬qaybteeda hore:
ِ
ِ ‫قَ ْد َنرى تََقلُّب و ْج ِه َك ِفي الس‬
‫اها‬
َ ‫ض‬
َ ‫َّماء َفلَُن َولَِّيَّن َك قْبلَةً تَْر‬
َ
َ
َ َ
"Qad naraa taqalluba wajhika fii al Ssamaa'i falanuwalliyannaka Qiblatan tardaahaa"
oo macneheedu yahay: "Dhab ahaan ayaan ugu jeednay gadgaddoonka wajigaaga ee Samada,
marka waxaan kuu jeedineynnaa Qiblo aad raalli ku noqon doonto."
Aayaddaas waxay ku dhex jirtaa laba dugaagadood oo dhuudhuuban, hoosteedana waxaa ku
dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda boqol iyo saddex iyo soddon
ee Suuratu Aali Cimraan\‫سورة آل عمران‬:
ِ ِ ْ ‫ُع َّد‬
ِ ‫ات و ْاْلَرض أ‬
ٍ
ِ ِ
‫ين‬
ُ ْ َ ُ ‫َّم َو‬
ُ ‫ َو َس ِارُعوا إِلَى َم ْغف َرٍة م ْن َرِّب ُك ْم َو َجنَّة َع ْر‬.‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
َ ‫ت لْل ُمتَّق‬
َ ‫ضهَا الس‬
"Wa saaricuu ilaa maghfiratin min Rabbikum wa Jannatin carduhaa Al Ssamaawaatu
wa al ardu uciddat lilmuttaqiina" oo macneheedu yahay: "Una degdega dambi dhaafka
Rabbigiin iyo Janno ballaarkeedu yahay Samaawaadka iyo arliga oo loo diyaariyay kuwa
dhawrsada."
Waxaa ku xigah Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Nuur \‫ سورة النور‬oo afar
faynuusood ku dhex jira:
ِ ‫اللَّه ُنور الس‬
ِ ‫ات و ْاْل َْر‬
‫ض‬
ُ ُ
َ
َ ‫َّم َاو‬
"Allaahu Nuuru Al Ssamaawaati wa al ardi" oo macneheedu yahay: "Ilaahay waa Nuurka
Samooyinka iyo arligaba."
Waxaa ku xigtah Aayatul Kursiga,
َِّ
ُ‫َم ْن َذا الذي َي ْشفَع‬
ِ
ِ
ُ‫اء َوس َع ُك ْرسيُّه‬
َ ‫َش‬
ِ ‫الس‬
ِ ‫ات و َما ِفي ْاْل َْر‬
‫ض‬
َ
َ ‫َّم َاو‬
‫بِ َش ْي ٍء ِم ْن ِعْل ِم ِه إِ ََّّل بِ َما‬
‫لَهُ َما ِفي‬
ِ
‫ون‬
َ ُ‫ُيحيط‬
‫ْخ ُذهُ ِس َنةٌ َوََّل َن ْوٌم‬
ُّ ‫اللَّهُ ََّل إِلَهَ إِ ََّّل ُه َو اْل َح‬
ُ ‫ُّوم ََّل تَأ‬
ُ ‫ي اْلقَي‬
‫ِع ْن َدهُ إِ ََّّل بِِإ ْذنِ ِه َي ْعلَ ُم َما َب ْي َن أ َْيِدي ِه ْم َو َما َخْلفَهُ ْم َوََّل‬
ِ
ِ
ِ ُ ‫ات و ْاْلَرض وََّل يُئ‬
ِ ‫الس‬
.‫يم‬
َ َ َ ْ َ ‫َّم َاو‬
َ
ُ ‫ودهُ ح ْفظُهُ َما َو ُه َو اْل َعل ُّي اْل َعظ‬
hoosteedana ay ku dhigantahay Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo qaybta hore ee
Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Fatxi\‫سورةة الفتح‬:
197
ِ ِ َّ ‫ق لَتَ ْد ُخلُ َّن اْلمس ِج َد اْلحرام إِن َش‬
ِّ ‫الرْؤَيا بِاْل َح‬
‫ين‬
ُّ ُ‫ق اللَّهُ َر ُسولَه‬
َ ‫ص َد‬
َ ‫اء اللهُ آَمن‬
َْ
َ ْ َ ََ
َ ‫ لَقَ ْد‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
"La qad sadaqa Allaahu Rasuulahu al rru'yaa bi al xaqqi la tadkhulunna Al Masjida Al
Xaraama in Shaa'a Allaahu aaminiina" oo macneheedu yahay: "Ilaahay waa u rumeeyey
Rasuulkiisa riyadiisii si dhab ah, ahaydna inay Mu'miniintu gelayaan Al Masjida Al Xamaara
(oo markaan ah Makkah\‫ مكة‬oo dhan) hadduu Ilaahay idmo, ayagoo aamin ah."
Waxaa ku xigtah Suuradda Qul Huwa Allaahu Axad
ِ
َّ
َّ
)4( ‫َح ٌد‬
َ ‫) َولَ ْم َي ُك ْن لَهُ ُكفُ ًوا أ‬3( ‫) لَ ْم َيل ْد َولَ ْم ُيولَ ْد‬5( ‫َّم ُد‬
َ ‫ ُق ْل ُه َو اللهُ أ‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ ‫) اللهُ الص‬1( ‫َح ٌد‬
oo laba dugaagadood ku dhex jira, ay dhexdoodana ‫ بسم اهلل الرحمن الرحيم‬Bisinku ku dhigan
yahay.
Labadaas dugaagadood waxaa u dhexeeya, oo dhexdooda ku dhigan Aayadda saddex iyo konto
ee Suuratu Al Zumar\‫سورة الزمر‬:
ِ َّ ِ
ِ
ِ
َِّ ‫ُق ْل يا ِعب ِاد‬
ُّ ِ َّ
ِ ً ‫ب َج ِم‬
‫ور‬
َ ‫َس َرفُوا َعلَى أ َْنفُس ِه ْم ََّل تَ ْق َنطُوا م ْن َر ْح َمة الله إِ َّن اللهَ َي ْغف ُر الذُنو‬
َ ‫ي الذ‬
ْ ‫ين أ‬
َ َ َ
ُ ُ‫يعا إَّنهُ ُه َو اْل َغف‬
ِ َّ
‫يم‬
ُ ‫الرح‬
"Qul yaa cibaadiya allathiina asrafuu calaa anfusihim laa taqnadhuu min raxmati
Allaahi inna Allaaha yaghfiru al th-thunuuba jamiican Innahu Huwa Al Ghafuuru Al
Rraxiimu" oo macneheedu yahay: "Waxaad tiraahdaa addoommadeyda ku xad gudbay
naftoodow, ha ka quusannina naxariista Ilaahay, Ilaahay ayaa dhaafa dambiyada
dhammaantoode, waana Dambidhaafbadane Naxariis badane."
Waxaa ku xigah
‫ محمد رسول هللا صادق الوعد األمين‬،‫"ال إله إال هللا الملك الحق المبين‬
Laa ilaaha illaa Allaahu Al Maliku Al Xaqqu Al Mubiinu, Muxammadun Rasuulu
Allaahi Saadiqu Al Wacdi Al Amiinu
Iyo Suuratu Quraysh:
ِ ‫َّي‬
ِ َ‫الشت‬
ِ ‫يَل‬
ِّ َ‫يَل ِف ِهم ِر ْحلَة‬
ِ
ٍ ‫ف قَُرْي‬
َّ ‫) َفْل َي ْعُب ُدوا َر‬5( ‫ف‬
)3( ‫ب َه َذا اْل َب ْي ِت‬
َ ‫ ِِْل‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ْ ‫اء َوالص‬
ْ َ ‫) إ‬1( ‫ش‬
ٍ ‫طعمهم ِمن جوٍع وآَم َنهم ِمن َخو‬
َِّ
)4( ‫ف‬
ْ ْ ْ ُ َ َ ُ ْ ْ ُ َ َ ْ َ‫الذي أ‬
Ugu dambeyntii waxaa ku dhigan " Sataaraddaan waxaa lagu sameeyey Makkata Al
Mukarramati\‫ مكة المكرمة‬waxaana Kacbada Sharfan u hadiyeeyey Khaadimu Al Xaramayni Al
Shariifayni Fahd bin Cabdul Caziiz aala Sacuud\‫خادم الحرمين الشريفين ملك فهد بن عبد العزيز أى سعود‬.
Allaha ka aqbalo."
198
Al Baytu Al Macmuuru\‫البيت المعمور‬
Samada toddobaad waxaa ku yaalla Guri Kacbada korkeeda ku beegan, lana yiraahdo Al Baytu Al
Macmuuru\‫ البيت المعمور‬,oo ay maalin walba toddobaatan kun oo Malaa'ig ahi ku dhawaafto, ayan dib
ugu soo noqon.
Ciidan Kacbada ku duulaya
Adduunkaan intuusan dhammaan ka hor, aakhiru zamanka, Kacbada waa la duminayaa. Intaan
la dumin ka hor, ciidan hubaysan ayaa Makkah\‫ مكة‬ku duulaya isagoo doonaya inuu Kacbada
dumiyo.
Markaasey dadka Makkah\‫ مكة‬deggani Kacbada magan gelayaan. Markaasuu Ilaahay, Cazza
wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, dhulka la goynayaa.
Waxay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\‫أم المؤمنين عائشة‬,
Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inay tiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ "يا رسول هللا كيف‬:‫" قلت‬.‫ فإذا كانوا ببيداء من األرض يخسف بأولهم وآخرهم‬،‫"يغزوا جيش الكعبة‬
‫ "يخسف بأولهم وآخرهم ثم يبعثون على‬:‫يخسف بأولهم وآخرهم وفيهم أسواقهم ومن ليس منهم؟" قال‬
".‫نياتهم‬
"Yaghzuu jayshun Al Kacbata, fa ithaa kaanuu bi baydaa'a mina al ardi yukhsafu bi
awwalihim wa aakhirihim". Qultu: yaa Rasuula Allaahi kayfa yukhsafu bi awwalihim wa
aakhirihim wa fiihim aswaaquhum wa man laysa minhum? Qaala: "Yukhsafu bi awwalihim
wa aakhirihim thumma yubcathuuna calaa niyyaatihim."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"Ciidan ayaa Kacbada soo weeraraya, markaasey markay Baydaa'a\‫( بيداء‬luqad ahaan waa meel
cidla ah oo bannaan oo lama degaan ah, meel Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
agteeda ah magacaas ayay leedahay, kay tahayna Ilaahay ayaa og) marayaan ayaa dhuku la
go'ayaa kooda u horreeya iyo kooda u dambeeya (iyo inta
udhexeysaba, waa
dhammaantood)".
Waxay tiri waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayow, sideebuu dhulku ula go'ayaa kooda ugu horreeya iyo kooda ugu
dambeeya ayagoo ay ku jiraan oo ay la socdaan raaciyadoodii iyo kuwii ganacsatada ahaa (oo
aan askar ahayn) iyo kuwo aan ka mid ahaynba (oo iskala socda aanse ujeedadooda ku
waafaqsanayn)?"
Wuxuu yiri:
"Dhulka ayaa lala goynayaa kooda ugu horreeya iyo kooda ugu dambeeyaba, kaddibna
(Maalinta Qiyaame) waxaa lagu soo saarayaa niyooyinkooda (ay u socdeen)".
199
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬wuxuu xusay inay riwaayad Xadiithkaan ee Muslim\‫ مسلم‬uu (Abuu)
Jacfar Al Baaqir\‫ أبو جعفر الباقر‬ka wariyay ina Baydaa'\‫ بيداء‬tahay meel u dhexeysa Makkah\‫مكة‬
iyo Madiinah\‫ المدينة‬oo la yaqaan oo macruuf ah.
Xadiithka waa midka laba kun iyo boqol iyo sideed iyo toban ee Al Bukhaarii \‫ البخاري‬iyo
Xadiithka laba kun iyo sideed boqol iyo labo iyo sideetan ee Muslim\‫مسلم‬.
Duminta Kacbada
Markaas kaddib ayaa Kacbada la duminayaa, siduu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wariyay, Allaha
isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"كأني به أسود أفحج يقلعها حجرا حجرا‬
"Ka annii bihi aswada afxaja yaqlacuhaa xajaran xajaran."
Waa Xadiithka kun iyo shan boqol iyo shan iyo sagaashan ee Al Bukhaarii\‫ البخاري‬oo
macnihiisu yahay:
"Waaba sida anigoo u jeedaba, isagoo madow, oo hogfoh leh (lugihiisu ay kala fogyihiin) oo
fujfijinaya isagoo dhagax dgagax u qaadaya."
Abuu Hurayrana\‫أبو هريرة‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"يخرب الكعبة ذو السويقتين من الحبشة‬
"Yukharribu Al Kacbata thuu al suwayqatayni mina al xabashahti."
Waa Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sagaashan ee Al Bukhaarii \‫البخاري‬, oo macnihiisu
yahay:
"Kacbada waxaa duminaya midka labada lugood oo aad dhuudhuubaan (lafo yar, hilibna aan
lahayn) leh oo amxaaro u dhashay."
Markaasna adduunkaan ma joogo nin muslim ah, oo way wada dhinteen, ayadoo uusan
addunkaan marka la rogayo uusan joogin qof muslin ah oo Ilaahay yaqaanna. Markaasna
Kacbadu waa un qol ka dhisan dhagax la is dul saaray, oo looma soo xajjiyo, weynaanteeda iyo
sharafteedana Samadaa kor loogu qaaday.
Labada nin oo dhimasho Ummaddaan ugu dambeysa
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay in Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
weydiiyay cidda ugu dambeysa oo Ummaddaan ka dhimaneysa, markaasu wuxuu yiri:
".‫"رجالن من مزينة ينزالن جبال من جبال العرب يقال له ورقان‬
"Rajulaani min Muzaynata yanzilaani jabalan min jibaali al Carab yuqaalu lahu
Wariqaanu".
200
Xadiithka waxaa wariyay Al Xaakim \‫الحاكم‬kuna wariyay mujalladka afaraad bogga shan boqol
shan iyo sagaashan, macnihiisuna waxaa weeye:
"Labo nin oo u dhashay Muzaynah\‫ مزينة‬oo deggan buur ka mid ah buuraha Carabta oo la
yiraahdo Wariqaan\‫ورقان‬."
Buurtaas wariqaan\‫ ورقان‬waxay ku xusan tahay oo kale Xadiithka uu Axmad\‫ أحمد‬ku wariyay
mujalladka labaad bogga saddex boqol sideed iyo labaatan, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وفخذه مثل ورقان‬،‫"ضرس الكافر في النار مثل أحد‬
"Dirsu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) al kaafiri fii al Nnaari mithlu Uxudin,
wa fakhithahu mithlu Wariqaan",
oo macnihiisu yahay:
"Iligga gaalku markuu naarta ku jiro wuxuu le'eg yahay buurta Uxud\‫( أحد‬si uu intuu ka
xanuunsanayo ay u badato, oo sidaas ayaa loo weyneynayaa), bawdadiisuna waxay le'egtahay
Wariqaan\‫ورقان‬."
Qusayy\‫ قصي‬soo noolee
Saadex sano Nabinnimada kaddib, ayay madaxdii Quraysh \‫ قريش‬waxay u ciddiratay Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu u yimidna way la hadleen. Wada hadal
kaddib, ayay waxay yiraahdeen:
"Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad waxaan kuu soo jeedinnay naga
oggolaan weydey, adigu waxaad ogsoontahay inuusan jirin axad naga dhul ciriirisan, nagana
biyo yar, naga nolol adag, marka Rabbigaaga waxa uu kugu soo diray kugu soo diray waxaad
noo weydiisaa inuu buurahaan na ciriiryay naga qaado, beledkeenana noo fidiyo, noogana soo
burqiyo wabiyo la mid ah wabiyada Shaam\‫ الشام‬iyo Ciraaq\‫عراق‬, hana noo soo nooleeyo
aabayaalkeenni tegey, kuwa uu soo nooleynayana ha ka mid ahaado Qusayy bin Kilaab ‫قصي‬
\‫بن كالب‬, kaasoo oday run low ah ahaa. Markaasaan waxaad adigu leedahay ka
wareysaneynnaa: ma run baa mase waa been. Marka, hadday ayagu ku rumeeyaan, waxaan ku
weydiisannayna aad sameysid, markaasaan ku rumeyneynnaa, aanna ku ogaaneynnaa
makaanka aad Ilaahay agtiisa ku leedahay iyo inuu Rasuul ahaan kuu soo diray, sidaad adigu
leedahay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
‫ فهو‬،‫ فإن تقبلوه‬،‫ وقد بلغتكم ما أرسلت به إليكم‬،‫ إنما جئتكم من هللا ما بعثني به‬،‫"ما بهذا بعثت إليكم‬
".‫ حتى يحكم هللا بيني وبينكم‬،‫ أصبر ألمر ربي‬،‫ وإن تردوه علي‬،‫حظكم في الدنيا واآلخرة‬
"Maa bi haathaa bucithtu ilaykum, innamaa j'itukum min Allaahi bi maa bacathanii
bihi, wa qad ballaghtukum maa ursiltu bihi ilaykum, fa in taqbaluuhu, fa huwa xath-
201
thukum fii al dunyaa wa al aakhirati, wa in tarudduuhu calayya, asbiru li amri Rabbii,
xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynikum."
Xadiithka, oo ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wariyay oo isagoo dheerna aan Siirada ku arki doonno,
haddii Alle idmo, macnihiisu waxaa weeye:
"Midkaas la iiguma kiin soo dirin, waxaanse xagga Ilaahay idiinka keenay wixii uu igu soo
diray. Wixii la iigu kiin soo dirayna waan idin soo gaarsiiyay. Marka haddaad oggolaataan waa
sadkiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan, oo aad igu soo celisaan, amarka Ilaahay
ayaan u sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo."
Codsigoodaas wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫عزوجل‬
soddonaad ee Suuratu Al Rracdi\‫سورة الرعد‬:
‫هللا‬,
kasoo dejiyay, Aayadda kow iyo
ِ
ِ َِّ
ِ ِّ
ِ ْ ‫ت بِ ِه اْل ِجبا ُل أَو قُطِّع‬
َّ ‫َوَل ْو أ‬
)31(‫يعا‬
ْ ‫سي َِّر‬
ُ ‫ت بِه ْاْل َْر‬
ً ‫ض أ َْو ُكل َم بِه اْل َم ْوتَى َب ْل لله ْاْلَ ْم ُر َجم‬
َ
ُ ‫َن قُ ْآرًَنا‬
ْ َ
"Wa law anna Qur'aanan suyyirat bihi al jibaalu aw qudhi-dhicat bihi al ardu aw
kullima bihi al mawtaa bal li Allaahi al amru jamiican(31)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli dadkii
dhintay (wuxuu noqon lahaa Quraankaan), amarkase Ilaahay ayaa dhammaantiis iska leh(31)."
Al Muzdalifatu\‫المزدلفة‬
Muzdalifah\‫ المزدلفة‬waxaa la yiraahdaa ban lama degaan ah oo u dhexeeya Mina \‫ منى‬iyo
Carafaat\‫عرفة‬, xuduudeeduna waxaa weeye labada buurood oo la yiraahdo Al
Ma'zamayni\‫المأزمين‬, oo ah laba buurood oo iska soo horjeeda, uuna u dhexeeyo dariiq la
yiraahdo Al Ma'zam\‫المأزم‬. Buurahaasu waa xadkeeda dhanka Carafaat.
Dhanka Mina\‫ منى‬xadkeedu waa waadiga Waadi Al Muxassir\‫وادي محسر‬.
Muzdalifa\‫ المزدلفة‬dhererkeedu waa afar kiiloomitir iyo dhowr boqol oo mitir. Waxaa la
sheegay sababo kala duwan oo Al Muzdalifatu\‫ المزدلفة‬magacaas loogu bixiyey, waxaana ka
mid ah:
(Kow) Ayadoo ay xujeydu soo degaan markuu habeenku soo gelayo, oo zulfatun \‫زلفة‬
macneheedu waa soo dhowaanshaha ama imaatinkaba, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa
Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Aayadda boqol iyo afar iyo toban ee Suuratu Huud\‫ سورة هود‬ugu
yiri:
َّ ‫ََّلةَ طَ َرفَ ِي‬
‫النهَ ِار َوُزلَفًا ِم َن اللَّْي ِل‬
َ ‫َوأ َِقِم الص‬
"Wa aqimi Al Salaata dharafiya al nahaari wa zulufan mina al layli(114)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Oog Salaadda maalinta darfeheeda iyo qayb habeenka ka mid ah (saacad)(114)".
202
(Laba) Ayadoo uu dadku wadajir u imaanayo, oo zulfatun\‫ زلفة‬macneheedu waa jamiican\‫جميعا‬
ama wadajir.
(Saddex)) U dhowaanshaha xujaydu ay Mina\‫ منى‬u dhowaanayaan, markay Carafaat\‫ عرفة‬kasoo
gaddoomaan.
(Afar) Aadan\‫ آدم‬ayaa halkaas Xaawo\‫ حواء‬kula kulmay, markaasuu markuu arkay usoo
dhowaaday, oo izdalafa\‫ ازدلف‬waxaa weeye danaa, oo macneheedu yahay waa soo dhowaaday.
Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬magac kalena waa leedahay, oo ah Jamcan\‫جمعا‬, oo macneheedu yahay
kulmiso, ayadoo ay halkaas ku kulmeen Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ ;حواء‬ama ayadoo ay xujaydu
halkaas ku kulmaan.
Al Muzdalifatu\‫ المزدلفة‬waxay ku xusantahay Quraanka Kariimka ah, oo wuxuu Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, xujeyda ku amray Aayadda boqol iyo sideed iyo
sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِ َّ
ٍ
ِ ْ َ‫ض ًَل ِمن رِّب ُكم فَِإ َذا أَف‬
ِ
ٌ ‫لَ ْي َس َعلَْي ُك ْم ُج َن‬
ْ َ‫َن تَْبتَ ُغوا ف‬
ْ ‫اح أ‬
ُ‫ضتُ ْم م ْن َع َرفَات فَا ْذ ُك ُروا اللهَ ع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرام َوا ْذ ُك ُروه‬
ْ َ ْ
ِ ِِ ِ
ِّ
)118( ‫ين‬
َ ‫َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال‬
"Fa ithaa afadtum min Carafaatin fa athkuruu Allaaha cinda Al Mashcari Al Xaraami
wa athkuruuhu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi la mina al daalliina(198)".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ee markaad kasoo gaddoontaan Carafaat\‫ عرفة‬ku xusa Ilaahay Al Mashcaru Al Xaraami ‫المشعر‬
\‫ الحرام‬agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiisa, kuwa
dhunsan(198)."
Maalinta Sagaalaad ee bisha Thul Xajjah\‫ذوالحجة‬, waa Maalinta Carafee\‫ عرفة‬ama
Sagaalaadkee, markay qorraxdu dhacdo ayagoo wali Carafaat \‫ عرفة‬taagan, ayay xujeydu soo
gaddoomayaan, oo ay xagga Muzdalifah\‫ المزدلفة‬usoo kacayaan.
Intay Muzdalifah\‫ المزدلفة‬usoo socdaanna waxay wadayaan ku dhawaaqidda Talbiyada oo ah
".‫ ال شريك لك‬،‫ إن الحمد والنعمة لك والملك‬،‫ لبيك ال شريك لك لبيك‬،‫"لبيك اللهم لبيك‬
"Labbayka Allaahumma labbayka, labbayka laa shariika laka labbayka, inna al xamda
wa al nicmata laka wa al mulka, laa shariika laka"
oo macneheedu yahay
"Waa ikanaa Ilaahayow, anigoo ugu yeeriddaada xajka yeelay oo imid, wa i kanaa. Adiguna
shariik ma lihid Ilaahnimada kula wadaaga. Xamdi iyo nicmo oo dhan, iyo Boqortooyo iyo
lahaansho oo dhan Adigaa leh, shariik ma lihid."
203
Markay Muzdalifah\‫ المزدلفة‬yimaadaan ayay Salaadda Maghrib iyo Cishe oo dib loo dhigay
waqtiga Cishaha, lana gaabiyay oo Cishuhu labo Rakco yahay, iyo hal Aathaan iyo labo
Iqaamo ku tukanayaan, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ugu wariyay Xadiithkiisa kun iyo lix boqol
iyo afar iyo toddobaatan.
Habeenkaas Sagaalaadku baxayo, Tobanaadkuna soo gelayo, ahna habeenka Ciidul Adxaa ‫عيد‬
\‫األضحى‬, waxaa la baryayaa Muzdalifah\‫المزدلفة‬, oo cirkaa la hoos seexanayaa, ayadoo ayanna
halkaas khaymadna ku oollin, musqulo ragga iyo haweenka u kala gaar ahse ay ku yaallaan.
Habeenkaas inta laga soo jeedi karo ayaa habboon in cibaadeysi loo soo jeedo, oo aan la
seexan.
Wuxuu ibnu Xajar Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬sharaxa Manaasiku Al Xajji\‫ مناسك الحج‬ee Imaam
Al Nawawii\‫ اإلمام النووي‬bogga saddex boqol iyo afartan ku wariyay inuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"من أحيى ليلتي العيد أحيى هللا قلبه يوم تموت القلوب‬
"Man axyaa laylatay al ciida axyaa Allaahu qalbahu yawma tamuutu al quluubu"
oo macnihiisu yahay
"Qofka cibaadeysi kusoo jeeda labada habeen oo ciidaha, Ilaahay qalbigiisa ayuu nooleeyaa
maalin ay quluubtu dhimaneyso."
Wuxuu kaloo wariyay, oo ibnu Al Jawziyyi\‫ إبن الجوزي‬ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وليلة الفطر‬،‫ وليلة النحر‬،‫ ليلة التروية وليلة عرفة‬:‫"من أحيى الليال األربع وجبت له الجنة‬
"Man axyaa al layaalii al arbaca wajabat lahu al Jannatu: laylatu al tarwiyah wa laylatu
Carafah, wa laylatu al Naxri, wa laylatu al Fidhri"
oo macnihiisu yahay:
"Afarta habeen qofkii cibaadeysi kusoo jeeda, Jannada ayaa waajib u noqoneysa: habeenka Al
Tarwiyah\‫( التروية‬waana habeenka Sideedaad ee bisha Thul Xajjah\‫)ذوالحجة‬, iyo habeenka
Carafaat\‫( عرفة‬oo ah habeenka Sagaalaadka), iyo habeenka Al Naxri\‫( النحر‬oo ah habeenka
Ciidu Al Adxaa\‫ عيد األضحى‬oo ah Tobanka bisha Thul Xajjah\‫ )ذوالحجة‬iyo habeenka Al Fidhri
\‫( الفطر‬oo ah habeenka koowaad ee bisha Shawwaal\‫شوال‬, ahna habeenka Ciidul Fidhri ‫عيد‬
\‫)الفطر‬."
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenka Muzdalifah\‫ المزدلفة‬wuxuu ku
degay, siduu Imaam Calii bin Abii Dhaalib\‫اإلمام علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee,
wariyay, buurta la yiraahdo Jabalu Quzax\‫جبل قزح‬, oo dhammaadka Muzdalifah\‫ المزدلفة‬ku
taalla, wuxuuna ka degay Qiblada masjidka halkaas laga dhisay, wuxuuna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"هذا قزح وهو الموقف وجمع كلها موقف‬
204
"Haathaa Quzax wa huwa Al Mawqifu wa Jamcun kulluhaa Mawqif"
oo macnihiisu yahay:
"Kani wa Quzax\‫قزح‬, waana Mawqifka, Jamcan\‫ جمعا‬oo idilna waa wada Mawqif (oo meeshaad
ka istaagtid oo aad ku barididba waa kaa rogeysaa)."
Buurta Quzax\‫ جبل فزح‬waa buur yar, ayadaana ah Al Mashcari Al Xaraami\‫المشعر الحرام‬, oo ay
Aayaddu sheegtay, siduu Imaam Al Nawawii\‫ النووي‬ugu wariyay kitaabkiisa Manaasiku Al
Xajji\‫مناسك الحج‬, bogga saddex boqol iyo shan iyo afartan.
Buurta Quzax\‫ جبل فزح‬dhusheeda waxaa hadda ka dhisan Masjidka la yiraahdo Masjidu Al
Mashcari Al Xaraami\‫مسجد المشعر الحرام‬, oo cabbirkiisu yahay sidatan: dhererkiisa Bari ilaa
Galbeed waa sagaashan mitir, ballaciisuna waa lix iyo konton mitir, dhulkuu ku fadhiyaana
waa shan kun iyo afartan mitir oo wareegsan, waxaana dhexdiisa ku tukan karta in ka badan
laba iyo toban kun oo qof.
Masjidkaan iyo Masjidu Al Khayfi\‫ مسجد الخيف‬waxaa u dhexeysa shan kiiloomitir. Masjidkaan
iyo Masjidu Namirata\‫ مسجد نمرة‬waxaa u dhexeeya toddoba kiiloomitir.
Xaajigu wuxuu Muzdalifah\‫ المزدلفة‬ka gurubsanayaa toddobaatan dhagax oo uu dhagaxtuurka u
qaadanayo, wuxuuna u kala tuurayaa sidatan: maalinta tobanaad wuxuu toddoba dhagax ku
tuurayaa Jamratu Al Caqabah\‫جمرة العقبة‬, maalinta kow iyo tobnaad wuxuu saddexda Jamro
middiiba ku tuurayaa toddoba dhagax, oo sidaas ayuu maalintaas kow iyo labaatan dhagax u
tuurayaa; maalinta laba iyo tobnaadna sidoo kale ayuu sadeexda Jamro middiiba toddoba
dhagax ku tuuraya, oo uu sidaas kow iyo labaatan dhagax u tuurayaa; Maalinta saddex iyo
tobnaadna sidoo kale ayuu saddexda Jamro middiiba toddoba dhagax ugu tuurayaa, uuna
wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax u tuurayaa.
Salaadda Subax ee Maalinta Tobnaad, oo ah Maalinta Ciidda, waxaa lagu tukanayaa
Muzdalifah\‫المزدلفة‬, halkaas ayaana la joogayaa ilaa uu waago u dhowaado inuu dillaaco, oo uu
cirku hurdi noqdo, waxna loo jeedo, siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yeelay oo kale.
Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬waxay ka tirsan tahay Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬, oo ay xuduuddeeda ku
dhex jirtaa, sidaas ayay marka Carafo\‫ عرفة‬laga soo gaddoomo oo ayada la yimaado ay tahay in
la qubeysto. Subaxa tobanaadna, intaan laga bixin, Ciidda ayaa loo qubeysanayaa iyo ganidda
Jamratul Caqabah\‫جمرة العقبة‬.
Sunnada Xajka waxaa ka mid ah in toban goor la qubeysto, oo kala ah: (Kow) Marka la
ixraamanayo, iyo (Laba) Marka Makkah\‫ مكة‬la gelayo, ama mar kasta oo Xaramka Makkah ‫حرم‬
\‫ مكة‬la gelayaba, iyo (Saddex)) Wuquufka Carafo\‫ عرفة‬marka la aadayo, (Afar) Muzdalifah
\‫المزدلفة‬, Salaadda Fajarka kaddib, (Shan) Dawaafu Al Ifaadah\‫ طواف اإلفاضة‬marka la aadayo, iyo
(Lix) Xalqiqa\‫الحلق‬, oo ah marka timaha madax la xiiranayo, (Toddoba) Yawmu Al Qarri ‫يوم‬
\‫ القر‬oo ah Maalinta koowaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\‫أيام التشريق‬, ahna Maalinta Kow iyo
Tobnaad ee bisha Thul Xajjah\‫ذوالحجة‬, iyo (Sideed) Yawmu Al Nafri\‫يوم النفر‬, oo ah maalinta
labaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\‫أيام التشريق‬, ahna Maaalinta Labo iyo Tobnaad ee bish Thul
205
Xajjah\‫ذوالحجة‬, iyo (Sagaal) Yawmu Al Nafri Al Thaanii\‫يوم النفر الثاني‬, ahna Maalinta
saddexaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\‫أيام التشريق‬, ahna Maalinta Saddex iyo tobnaad ee bisha
Thul Xajjah‫ذوالحجة‬, iyo (Toban) Dhawaafu Al Wadaaci\‫ طواف الوداع‬marka la aadayo. Meel
kasta oo Muslin isugu imaanayo intaan la tegin waa la qubeystaa, si uusan dadku dhididkaaga
u dhibsan.
Kitaabka Taariikhu Al Khamiisi\‫ تاريخ الخميس‬iyo ghayrkiisba waxay wariyeen inuu Cabbaas bin
Mirdaas\‫ عباس بن مرداس‬yiri:
"Wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, galabta Maalinta Carafo\‫عرفة‬
ummaddiisa ugu duceeyey inuu Ilaahay dambigooda dhaafo. Markaasaa waxaa loogu
jawaabay:
".‫ فإني آخذ للمظلوم من الظالم‬،‫"أني قد غفرت لهم ما خال المظالم‬
"Annii qad ghafartu lahum maa khalaa al mathaalima, fa Innii aakhithun lil mathluumi
mina al th-thaalimi",
oo macnihiisu yahay:
"Dambiyadooda waa dhaafay intaan ka ahayn dulmiyaday ayagu isku geysteen oo isku
leeyihiin, oo Anigu midka wax dulmiyay ayaan ka qaadayaa, waana xasanaadkiisa maalinta
qiyaame, oo aan kan la dulmiyay siinayaa."
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
".‫"أي رب إن شئت أعطيت المظلوم من الجنة وغفرت للظالم‬
"Ay Rabbi in shi'ta acdhayta al mathluuma mina al jannati wa ghafarta lilth-thaalimi",
oo macnihiisu yahay:
"Rabbiyow, haa, haddaad doontid kan la dulmiyay waxaad xaqqiisa ka siinaysaa jannada, kan
wax dulmiyayna waad u dhambi dhaafaysaa."
Markaasaan galabtaas Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam loo jawaabin. Markaasuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam markuu Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬ku waabariistay uu ducadiisii shalay
mar kale ku celiyay.
Markaasaa laga yeelay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, qoslay, ama ilko caddeeyey.
Markaasey Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬iyo Cumar\‫ عمر‬waxay ku yiraahdeen:
"aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, tani ma aha saacad aad qosli jirtya ee maxaa
kaa qosliyay Ilaahay iliggaaga ha ka qosliyee?"
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
206
‫"إن عدو هللا إبليس لما علم أن هللا عزوجل قد استجاب دعائي وغفر ألمتي أخذ التراب فجعل يحث على‬
".‫رأسه ويدعو بالويل والثبور‬
"inna caduwwa Allaahi ibliisa lammaa calima anna Allaaha Cazza wa Jalla qad istajaaba
ducaa'ii wa ghafara li ummatii akhatha al tturaaba fa jacala yaxuth-thu calaa ra'sihi wa
yadcuu bi al wayli wa al th-thabuuri."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Cadawga Ilaahay ibliis markuu ogaaday inuu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عوزجل‬ducadayda
yeelay uuna ummaddayda u dambi dhaafay ayuu wuxuu qaatay ciid oo uu madaxa isaga
shubay isagoona leh "waan halaagmay, waan halaagmay."
Waxaana wariyay ibnu Maajah\‫ إبن ماجه‬iyo Al Bayhaqii\‫البيهقي‬.
Salaadda Subax ee Maalinta Tobnaad, oo ah Maalinta Ciidda, waxaa lagu tukanayaa
Muzdalifah\‫المزدلفة‬, halkaas ayaana la joogayaa ilaa uu waago u dhowaado inuu dillaaco, oo uu
cirku hurdi noqdo, waxna loo jeedo, siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yeelay oo kale. Subaxa tobanaadna, intaan laga bixin, Ciidda ayaa loo
qubeysanayaa iyo ganidda Jamratu Al Caqabah\‫جمرة العقبة‬.
Masjidu Al Mashcari Al Xaraami ee Al Muzdalifah\‫مسجد المشعر الحرام بمزدلفة‬. Xasanwali.
Amarka Caamir bin Al Tharabi\‫عامر بن الظربي‬
207
Waxaa jiray ninka la yiraahdo Caamir bin Al Tharibi (waa tha kor dhibic ku leh oo dha ku
xigta) bin Camr bin Ciyaath (waa thaal kor dhibic ku leh oo deelka ku xigtah) bin Yashkur bin
Cadwaan Al Cadwaanii, \‫عامر بن الظربي بن عمرو بن عياذ بن يشكر بن عدوان العدواني‬, oo uu Al Isbacu
Al Cadwaanii\‫اإلصبع العدواني‬oo magaciisuna ahaa Xurthaanu bin Camr\‫ حرثان بن عمرو‬gabay uu
munaasabaddaas Ifaadada Muzdalifah|‫ إفاضة المزدلفة‬ka tiriyey, uu ku xusay, uuna ku
magacaabay Xakamun Yaqdii\‫( حكم يقضي‬waa dad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah)
macneheeduna yahay Qaalli garsoora ayaa naga dhashay. Amarka qaalligaanna wuxuu ahaa
sidatan.
Carabi markay wax dhex maraan oo ay isku qabtaan, ha weynaadaan waxaasi ama ha
yaraadaane, waxay iskula tegi jireen ninkaan la yiraahdo Caamir bin Al Tharibi \‫ عامر بن الظربي‬,
oo kala xukumi jiray, xukunkuu ridana ay raalli ku wada noqon jireen. Arrimaha ay isku
qabteen oo ay ula yimaadeenna waxaa ka mid ahaa dhaxalka khunthaa\‫( الخنثى‬waa tha saddex
dhibcood kor ku le), oo ah qof farjigii ragga iyo kii haweenkaba wada leh oo sidaas ku
dhashay:
"Ma sida ragga ayuu wax u dhaxlayaa oo sadkuu ninku leeyahay ayuu isaguna leeyahay, mase
sida haweenta oo sadkay haweentu leedahay ayuu isaguna leeyahay?"
Amar midkaas ka culusna hore ulama ayan imaanin. Markaasuu wuxuu ku yiri:
"I daaya aan amarkiinnaan ka fiirsadee, oo wa Allaahi\‫ وهللا‬Carabay, kanoo kale hore iguma
soo degin".
Markaasey ka tageen oo ay sugeen. Markaasuu habeenkaas gam'i waayey, isagoo amarkaas rog
rogaya, oo u fiirsanayaa, arrinkuna fool ayuu la bixi waayey.
Caamir\‫ عامر‬wuxuu lahaa gabar u shaqeysa oo la yiraahdo Sukhaylatu\‫ سخيلة‬oo ariga u raaci
jirtay, taasoo uu mar walba eedeyn jiray oo uu canaan jiray subixii markay ariga foofineyso, oo
uu ku oran jiray:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬Sukhayley\‫ سخيلة‬waad waabariisatay (waad daahday)", markay soo celisana
ku yiraahda: "Wa Allaahi‫ وهللا‬Sukhayley‫ سخيلة‬waad habeensatay (waad soo daahday)", oo
wuxuu sidaas u oran jiray ayadoo subixiina daahda oo uu dadku daaqsiinta uga hormaro, soo
noqodkana ay soo daahi jirtay, oo uu dadku kasoo hormaro.
Markaasey markay Sukhaylah‫ سخيلة‬aragtay soo jeedkiisa habeenkaas iyo kurbada haysa, iyo
siduu dhiniciisu gogosha u qaban waayey, ayay waxay ku tiri:
"Aabbe waaye, maxaad leedahay? Maxaa caawa kusoo jeediyay?"
Wuxuu yiri:
"Maxaad leedahay? Iska key daa! Waa amar aadan adigu shaqo ku lahayne."
Markaasey mar labaad hadalkeedii hore oo kale kusoo celisay. Markaasuu wuxuu naftiisa isku
yiri:
"Waxaaba dhici karta inay keento wax faraj xaaladdaan ku suganahay u ah, oo ayba iiga
neefisaa".
Markaasuu wuxuu yiri:
208
"Waxaa la iskula key soo dacwooday dhaxalka khunthaa\‫الخنثى‬, ee ma ninbaan ka dhigaa mase
haweeney? Oo wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan sameeyo ma aqaan oo amarku fool waa iila bixi
waayey."
Waxay tiri:
"Subxaana Allaahi\‫ !سبحان هللا‬Aabbe waa! Xukunka waxaad raacisaa meesha laga kaadiyo, oo
fariisi oo hadduu ka kaadsho meeshuu raggu ka kaadsho waa nin, hadday ka kaadisana
meeshay haweenku ka kaadshaan waa haweeney."
Wuxuu yiri:
"Wixii taas ka dambeeya galabtiina soo daah ama subixii waabariiso, oo wa Allaahi \‫ وهللا‬waad
ka neefisay oo aad faraj u furtay."
Markaasuu markuu waabariistay dadkii usoo baxay, uuna xukunka u riday siday
Sukhaylah\‫ سخيلة‬u tilmaantay.
Islaamkuna xukunkaas wuu qiray, oo sidaas ayay Shareecadu qabtaa. Haddii intaas kaddib
amarka qofkaasi weli caddaan waayo, shareecadu waxay siineysaa saamiga haweeney iyo nus.
Diyaduna waa sidoo kale. Axkaamtaan intooda badanna ijtihaadkeed ayay ku dhisan yihiin.
Minaa\‫منى‬
Minaa\‫ منى‬waa dhulka u dhexeeya Makkah\‫ مكة‬iyo Muzdalifah\‫المزدلفة‬, oo waxay u dhexeysaa
Jamratul Caqabah\‫جمرة العقبة‬, oo ah xadkeeda xagga Makkah\‫مكة‬, iyo Waadii Muzassir ‫وادي‬
\‫محسر‬, oo ah xadkeeda xagga Muzdalifah\‫ المزدلفة‬xigah.
Mina\‫ منى‬waxay Kacbada u jirtaa toddoba kiiloomitir, waxayna ka xigtaa xagga qorrax kasoo
bax. Haddii dariiqa nafaqa, oo buuraha hoos mara la marana waxay Makkah\‫ مكة‬u jirtaa afar
kiiloomitir.
Minaa\‫ منى‬waxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu halkaas ku shubmo oo uu ku daato
dhiigga xoolaha la qalo, oo minaa\‫ منى‬waxaa la yiraahdaa wixii dureera oo xoog kusoo baxa,
sida marka neefka la gawraco uu dhiiggu isagoo diirran xoog uga soo boodo.
Sidoo kale biyaha ragga sababtaas ayaa mina loo yiraahdaa, ayagoo xoog usoo booda,
diirranna.
Wuxuuba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫سبحانه وتعالى‬, Aayadda sideed iyo kontonaad ee
Suuratul Waaqicah\‫ سورة الواقعة‬ku yiri:
)85( ‫ون‬
َ ‫أَفَ َأرَْيتُ ْم َما تُ ْمُن‬
"A fa ra'aytum maa tumnuuna?(58)"
oo macneheedu yahay
"Ka warrama dhibicda aad tuureysaan "Manida"?(58)"
209
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay inuu Al Barqiyyu \‫ البرقي‬yiri: "godadka Minaa\‫ منى‬ku yaalla
oo dhiigga geela iyo hadyiga iyo xoolaha kaleba oo la qalo uu ku aruuro waxaa la yiraahdaa Al
Jabaajibu\‫الجباجب‬, Carabtuna meeshaas way weyneysaa oo ay ku faantaa.
Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay xujayda maalintaas
Mina\‫ منى‬joogta dambi dhaafid ku manneysto, oo waxay ka timid manneysi ama galladeysi.
Waxaa kaloo la yiri in loogu bixiyay ayadoo ay Carabtu meeshuu dad isugu yimaado Minaa
\‫ منى‬ku magacawdo.
Minaa\‫ منى‬darafteeda Makkah\‫ مكة‬xigtah waxaa ku taalla Jamratu Al Caqabah\‫جمرة العقبة‬, oo uu
agteeda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sanadka labo iyo tobnaad ee
Nabinnimada, kuna beegan bisha Luulyo lix boqol iyo kow iyo labaatan Miilaadiga Ansaartii
\‫ األنصار‬Madiinah Baycadii\‫ البيعة‬Koowaad uga qaaday oo ah Baycatul Caqabati Al Uulaa ‫بيعة‬
\‫العقبة األولى‬. Raggaas Ansaarta\‫ األنصار‬ah waxay ahaayeen laba iyo toban nin oo labada qabiil ee
Aws\‫ األوس‬iyo Khazraj\‫ الخزرج‬u kala dhashay.
Bartaas Baycadu ka dhacday waxaa laga dhisay oo ku yaalla masjid la yiraahdo Masjidu Al
Bayc\‫مسجد البيعة‬
Masjidu Al Baycah\‫مسجد البيعة‬. Xasanwali 1432H/2011M
210
Baycadii labaadna, oo ah Baycatu Al Caqabah Al Thaaniyati\‫ بيعة العقبة الثانية‬isla bartaas ayay ka
dhacday, muusinkii Xajka ee sanadka saddex iyo tobnaad ee Nabinnimada, kuna beegan lix
boqol iyo laba iyo labaatan Miilaadiga, ayna kasoo qayb galeen saddex iyo toddobaatan nin iyo
laba haween ah ee reer Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Masjidkaas wuxuu Jamratul Caqabah\‫ جمرة العقبة‬u jiraa saddex boqol oo mitir, oo uu xagga
midigta ka qabanayaa qofka Makkah\‫ مكة‬u socda. Masjidkaas waxaa dhisay Abuu Jacfar Al
Mansuur\‫ أبوجعفر المنصور‬sanadka boqol iyo afar iyo afartan, una dhigantah toddoba boqol iyo
kow iyo lixdan Miilaadiga, waana masjid gaaban midabkiisuna hurdi yahay, qiyaasteydana
kasii yar nuska masjidkii Muqdisho ee Arbaca Rukun.
Siduu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelay oo kale, Minaa \‫ منى‬waxaa
loo hoydaa oo lagu baryaa afar habeen, oo kala ah:
(Kow) Habeenka Sagaalaadka, oo inta Maalinta Sideedaad Makkah\‫ مكة‬laga soo baxo ayaa
Minaa‫ منى‬la baryaa, si Maalinta Sagaalaad Carafaat\‫ عرفة‬loogu guuro, oo waaba
Sagaalaadkiiye.
(Laba) Habeenka Kow iyo Tobnaad, marka subaxaas la ciiday, oo Minaa‫ منى‬Salaadda Ciidda
laguma tukado.
(Saddex) Habeenka Labo iyo Tobnaad.
(Afar) Habeenka Saddex iyo Tobnaad, qofkaan maalinta laba iyo tobnaad Minaa‫ منى‬ka
dhoofin, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ugu yiri Aayadda laba
boqol iyo saddex ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ٍ ‫ود‬
ٍ ‫وا ْذ ُكروا اللَّه ِفي أَي‬
َّ ‫َّل ِفي َي ْو َم ْي ِن فَ ََل إِثْم َعلَ ْي ِه و َم ْن تَأ‬
‫َخ َر فَ ََل إِثْ َم َعلَ ْي ِه‬
َ ‫ات فَ َم ْن تَ َعج‬
َ ‫َّام َم ْع ُد‬
َ
ُ َ
َ
َ
"Wa athkuruu Allaaha fii ayyaamin macduudaatin fa man tacajjala fii yawmayni falaa
ithma calayhi wa man ta'akh-khara fa laa ithma calayhi(203)" oo
macneheedu yahay
"Xusa Ilaahay maalmo tirsan, ciddiise degdegta laba maalmood dhexdooda dambi korkiisa ma
aha, ciddii dib martana dambi korkiisa ma aha(203)."
Minaa\‫ منى‬waxay ka tirsantahay Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬oo ay xadkiisa ku dhex jirtaa. In
Minaa‫ منى‬la baryo Xajka ayay ka mid tahay.
Masjid Al Kabash\‫مسجد الكبش‬
Buurta Jabalu Thabiir\‫ جبل ثبير‬la yiraahdo oo Minaa\‫ منى‬ku taalla ayuu Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬,
Calayhissalaamu, ku fuliyay amarkii Ilaahay oo ahaa inuu wiilkiisa Ismaaciil‫ إسماعيل‬bireeyo,
kaddibna uu Ilaahay, Cazza wa Jalla‫هللا عزوجل‬, wan weyn ku furtay.
Buurtaasi waxay bidixda ka qabaneysaa qofka Carafaat \‫ عرفة‬u socda, beeshaasna waxaa loo
yaqaannaa Majarral Kabash\‫مجر الكبش‬, waana marka inta Makkah\‫ مكة‬laga soo raaco Shaaricu
Al Xajji\‫ شارع الحج‬nafaqa waa godkee Mina\‫ منى‬laga soo baxo ayaa waxaa halkaas ku yaalla
dariiq Mina\‫ منى‬kor mara oo aad jamraadkaba halkaas uga jeedid. Waxaana ku oolli jiray
211
masjid la oran jiray Masjidu Al Kabash\‫مسجد الكبش‬, ayna dhistay gabadha uu dhalay wiilka uu
dhalay wiilka Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫ عبد هللا بت عباس‬oo magaceedu yahay Lubaabah
bintu Calii bin Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫لبابة بنت علي بن عبد هللا بن عباس‬. Wankaas waxaa
la sheegay inuu yahay wankuu Haabiil\‫ هابيل‬ina Nabi Aada\‫ آدم‬qurbaan ahaan u bixiyay, oo
intuu dab loo jeedo Samada kasoo degay uu wanka hareereeyey Samadana kor ugu qaatay oo
la galay, oo uu Ilaahay meel uu ogyahay ku hayey.
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Aadanna\‫ آدم‬waxaa u dhexeysey qiyaas laba kun oo sano. Masjidkaan
hadda ma jiro oo buurtuu dusheeda ku yiillay waa la gooyey oo dariiqyo la maro iyo wax
kaleba laga dhisay, waxaan halkaan ugu xusayaa oo keli ah in la ogaado bartuu Nabi Ibraahiim
‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu ku gawracay fidyada wiilkiisa Nabi Ismaaciil‫ إسماعيل‬Calayhissalaamu
oo ku tiillay Mina\‫منى‬.
Al Balaadii\‫البالدي‬
Al Balaadii‫ البالدي‬wuxuu yiri:
“Masjidu Al Kabash\‫ مسجد الكبش‬waa meel la yaqaanno oo dhanka bidix ka qabanaysa qofka
Mina‫ منى‬ka baxa oo Carafah\‫ عرفة‬xaggeeda u socda.
Al Azraqii\‫ األزرقي‬wuxuu yiri:
“dhagaxa wayn oo Mina‫ منى‬ku yaalla salka buurta Thabiir\‫ ثبير‬waa dhagaxuu korkiisa
Ibraahiim‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu ku gawracay fidyada wiilkiisa Isxaaq\‫( إسحاق‬dad Isxaaq
‫ إسحاق‬yiraahda ayaa jira intay Ismaaciil‫ إسماعيل‬oran lahaayeen siduu Al Balaadii\‫ البالدي‬meel
dambe ku sheegi doono: xasanwali): waxaa buurta Thabiir\‫ ثبير‬uga soo degay wan indho
waawayn oo aan geeso lahayn oo ciyaya, markaasuu gawracay.”
Bartaasu waa meeshaan taaganahay oo waxaa ku oolli jirtay looxad ay ku qoran tahay
“Majaarul Kabash\‫ ”مسجد الكبش‬haddana laga fujiyay.
212
Majarru Al Kabash\‫مسجد الكبش‬: bartuu Ibraahiim‫إبراهيم‬
Ismaaciil‫ إسماعيل‬kuna taalla Mina\‫منى‬. Xasanwali.
ku gawracay fidyada
Al Ssaxxaar\‫السحار‬: Sababta keentay gawricidda Ismaaciil‫إسماعيل‬
Cabdu Al Xamiid Juudah Al Ssaxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬wuxuu kitaabkiisa “Muxammadun
Rasuulu\‫ محمد رسول هللا‬Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam” ahna
midka musalsalka bisha ramadaan la is tusa laga sameeyey ku yiri:
“markii dabka lagu riday oo uu Ilaahay ka badbaadiyay kaddib Ilaahay Tacaalaa \‫هللا تعالى‬
wuxuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬ku amray inuu arliga Ciraaq\‫ عراق‬ka haajiro oo uu diinta islaamka
arliyada kale geeyo. Markaasuu Inbraahiim‫ إبراهيم‬u hoggaansamay amarka Ilaahay.
Intuu socday wuxuu Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬Calayhissalaamu tegay magaaldo la yiraahdo
Safraawaym\‫ صفرويم‬oo uu dibaddeeda degay, suuqyada magaaladana uu yimaada oo uu dadka
caabudidda Ilaahay Keli ah ugu yeeraa. Waxaana soo raacay oo la socda aabihiis Aazar\‫ آزر‬oo
afka ka islaamay wiilkiisana u sheegay inuu gaalnimada ka tawbad keeni doono. Markaasay
asxaabta Ibraahiim‫ إبراهيم‬waxay arkeen Aazar\‫ آزر‬oo gelaya macbad asnaamta lagu caabudo
oo warkaasna uu gaaray Ibraahiim‫ إبراهيم‬oo suuqyada maraya.
Markaasuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬aabihiis macbadka dhexdiisa ugu yimid si uu uga soo saaro oo uu
u waaniyo. Markuu macbadka soo galay ayuu la kulmay xaaladda ah nin curadkiisa macbadka
213
keenay si sanamkay caabudi jireen hoostiisa loogu gawraco. Markuu xaaladdaas goob joog ka
noqday ayuu aabihiis wuxuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬ku yiri:
“Ibraahiimow‫ إبراهيم‬fiiri.”
Marka wiilkii la gawracayna wuxuu ku yiri:
“Ibraahiimow‫ إبراهيم‬ma aragtay immaanka dadkeennu ay u hayaan ilaahyadooda?
Iimaankoodu wuxuu gaaray ilaa heer uu ninku curadkiisa u gawraco si dambiyaduu galay
looga dhaafo oo uu kafaaro gud u noqdo? Hadday Saarrah\‫ سارة‬wiil kuu dhali lahayd, wiilkaas
qurbaan ahaan ilaahaaga ma ugu gawrici lahayd? Rabbigaaga Waaxidka ah oo aad dadka ugu
yeertid inay keligiis caabudaan?”
Markaasuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu ugu jawaabay oo Waxyi u keenay:
ِ
ُّ ‫قَ ْد َخ ِسر الَِّذين قَتَلُوا أَوََّل َد ُهم سفَها بِ َغ ْي ِر ِعْلٍم وح َّرموا ما رَزقَهم اللَّه ا ْفتِراء علَى اللَّ ِه َق ْد‬
‫ين‬
َ
َ ً َ ُ ُُ َ َ ُ َ َ
َ ‫ضلوا َو َما َك ُانوا ُم ْهتَد‬
َ
ً َ ْ ْ
َ
)141(
Aayadda oo ah midda boqol iyo afartanaad ee Suuratu Al Ancaami\‫ سورة األنعام‬macneheedu
waxaa weeye:
“Waxaa khasaaray kuwa caruurtooda dilay jaahilnimo daraadeed iyo cilmi darro,
xaaraantimeyana wuxuu Ilaahay ku rizqiyay ayagoo Ilaahay ku been abuuranaya: way
baadiyoobeen mana ahayn kuwa hanuunsan(140).”
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu aabihiis ku yiri:
“Rabbigay waa Ghafuurun Raxiim ah\‫غفور رحيم‬. Adigana waa ku kanoo igu ceebeynaya
naxdintayda iyo xanuunkayga aad i aragtay ayagoo i qabtay anigoo diidan inuu ninku wiilkiisa
gawraco. Aniga qalbigaygana waxaa si hubaal ku sugnaaday in wax kastoo aan ka baqo oo ka
mid ah belada iyo imtixaanka adduunkaan ee wa illaa tuu Rabbigay waxaas aniga igu
imtixaano . Aniguna inshaa’a Allaahu waan u sabrayaa oo u adkaysanayaa imtixaankiisa, kuna
shukrinayaa nicmooyinkiisa ilaa aan kan dhammaystirto wuxuu nolosha adduunkaan iigu
qoray.
Lixdan sano markuu hadalkiisa aabihiis ku yiri isagoo Safraawaym \‫ صفرويم‬jooga ayaa lagu
amray inuu wiilkiisa Ismaaciil\‫ إسماعيل‬gawraco, isaguna uu u sabray una adkaystay.
Markaasuu Ilaahay wan wayn Ismaaciil‫ إسماعيل‬ku furtay.” Waa intaas warkiisu.
Xikmada ku jirta fidyada waxaa weeye inuu Ilaahay burinayo caadadoodaas xun oo ah inuu
ninku markuu dambi dhaaf doonayo uu curadkiisa gawrici jiray, kuna burinayo inaan neef
gawracno oo dhibicda ugu horreysa oo neefkaas qofka dambigiisa lagu dhaafayo. Neefkaasuna
waa midkaan Ciidu Al Adxaa\‫ عيد األضحي‬gawracno oo udxiyada ah.
Isagoo Minaa‫ منى‬jooga waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo
degatay Suuratu Ithaa Jaa' Nasru Allaahi\‫إذا جاء نصر هللا‬, intuu Xajjatu Al Wadaac\‫ حجة الوداع‬ku
dhex jiray.
214
Minaa‫ منى‬waxaa ku yaalla godka la yiraahdo Ghaaru Al Mursalaati\‫غار المرسالة‬, oo isagoo uu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhex jiro, siduu Al Bukhaarina \‫البخاري‬
Xadiithkiisa kun iyo sideed boqol iyo soddon ugu wariyay, waxaa kusoo degatay Suratu Al
Mursalaati\‫سورة المرسالة‬. Godkaas wuxuu ku beegan yahay dhabarka Masjidu Al Khayfi ‫مسجد‬
\‫الخيف‬, xagga buurta oo midigta xigah.
Masjidu Al Khayfi‫مسجد الخيف‬
Waxaa kaloo Minaa ku yaalla Masjidu Al Khayfi\‫مسجد الخيف‬, oo Khayf\‫ خيف‬waxaa la yiraahdaa
dhulka buur la xiriira, dhulka biyuhu maraanna ka korreeya.
Masjidku wuxuu ku yaalla salka buurta Minaa\‫ منى‬ee Koofur xigtah, una dhow Al Jamratu Al
Sughraa\‫الجمرة الصغرى‬. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa masjidkaan
ku tukaday, hortiisna Anbiyo kale ayaa ku tukatay.
Wuxuu Al Nasaa'ii\‫ النسائي‬Ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬ka wariyay, Allaha raalli ka wada noqdee, inuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ سرحة سر‬،‫"إذا كنت بين األخشبين من منى" ونفخ بيده نحو المشرق "فإن هناك واديا يقال وادي السرر‬
".‫تحتها سبعون نبيا‬
"Ithaa kunta bayna al Akhshabayni min Minaa, wa nafakha bi yadihi naxwa Al Mashriqi,
fa inna hunaaka Waadiyan yuqaalu Wadii Al Surari, sarxatan surra taxtahaa sabcuuna
Nabiyyan."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaad ahaato labada buurood oo waaweyn oo Mina‫ منى‬ku yaalla, markaasuu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa xagga qorrax kasoo bax u jeediyay oo uu afuufay, oo
halkaas waxaa ku yaalla dooxo la yiraahdo "Waadii Al Surari\‫ "وادي السرر‬oo ah "Waadiga
Xuddumaha", ayna hoostiisa toddobaatan Nabi ku sugan yihiin, oo ah inay toddobaatan Nabi
ku dhasheeen oo xuddunta looga gooyey."
Ibnu Xajar Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬wuxuu ku wariyay boogga afar boqol iyo labo ito toban
ee sharixiisa Manaasiku Al Xajji\‫مناسك الحج‬.
Waxaa kaloo isaguna Al Nihaayah\‫ النهاية‬ku wariyay Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬mujalladka labaad,
bogga saddex boqol iyo sagaal iyo konton.
Masjidu Al Khayfi\‫ مسجد الخيف‬waa Masjid aad u weyn.
215
Masjidu Al Khayfi ee Mina\‫مسجد الخيف بمنى‬
Al Jamraat\‫الجمرات‬
Waxaa kaloo Minaa\‫ منى‬ku yaalla saddexda Jamraat. Jamro macneheedu waxaa weeye dhagax
la is korkor saaray oo taagan, siduu Imaam Al Shaaficii\‫ اإلمام الشافعي‬u macneeyey.
Saddexdaas Jamro waxay kala yihiin:
(Kow) Jamratul Uulaa\‫الجمرة اآلولى‬, lana yiraahdo oo kale Jamratul Sughraa\‫الجمرة الصغرى‬,
ahna Jamarada koowaad, oo ah midda ugu horreysa marka xagga Carafaat \‫ عرفة‬laga yimaado,
Masjidu Al Khayfina\‫ مسجد الخيف‬agtiisa ah.
(Laba) Jamratul Wusdhaa\‫الجمرة الوسطى‬, oo ah Jamrada dhexe.
(Saddex) Jamratu Al Caqabah\‫جمرة العقبة‬, oo caqabah\‫ عقبة‬waxaa la yiraahdaa jiirta laba
buurood u dhexeysa.
216
217
Masjidu Al Khayfi iyo saddexda Jamraat\‫مسجد الخيف والجمرات‬
Afartaas maalmood oo Minaa\‫ منى‬la joogo hawlaha xajka oo la kala qabanayo waxay yihiin:
Kow. Maalinta Koowaad waxaa la yiraahdaaa Yawmu Al Naxri\‫يوم النحر‬, oo ah maalinta
gawraca, waana maalinta Ciidu Al Adxaa\‫عيد األضحى‬, bishuna ay tahay toban. Waxaa la qalayaa
hadyigii, udxiyadii iyo xoolihii dhiig waajib noqday kafaaro gud u ah. Maalintaas waa maalinta
xajka oo idil ugu hawlo badan, waxaana la qabanayaa:
(Kow) Jamratu Al Caqabah\‫ جمرة العقبة‬ayaa toddoba dhagax lagu tuurayaa, iyo
(Laba) Hadyiga\‫ الهدي‬ayaa la bireynayaa, iyo
(Saddex)) Timaha madaxa ayaa la xiirayaa, iyo
(Afar) Makkah\‫ مكة‬ayaa la tegayaa oo Dhawaafu Al Ifaadah\‫ طواف اإلفاضة‬la gudanayaa.
Yawmu Al Naxri\‫ يوم النحر‬waa maalinta la yiraahdo Al Xajju Al Akbaru\‫الحج األكبر‬, oo waa
maalinta ugu hawl badan xajka oo idil.
Saddexda maalmood oo ku xiga waxaa la isku yiraahdaa Ayyaamu Al Tashriiqi\‫أيام التشريق‬, oo
macneheedu yahay maalmaha hilbaha la warwarto, oo la cuno oo la cabbo.
Saddexdaas maalmood waa saddexda uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬,
ku magacaabay Al Ayyaamu Al Macduudaatu\‫األيام المعدودات‬, kuna xusay Aayadda laba boqol
iyo saddex ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ٍ ‫ود‬
ٍ ‫وا ْذ ُكروا اللَّه ِفي أَي‬
َّ ‫َّل ِفي َي ْو َم ْي ِن فَ ََل إِثْم َعلَ ْي ِه و َم ْن تَأ‬
‫َخ َر فَ ََل إِثْ َم َعلَ ْي ِه‬
َ ‫ات فَ َم ْن تَ َعج‬
َ ‫َّام َم ْع ُد‬
َ
ُ َ
َ
َ
"Wa athkuruu Allaaha fii ayyaamin macduudaatin fa man tacajjala fii yawmayni falaa
ithma calayhi wa man ta'akh-khara fa laa ithma calayhi(203)"
oo macneheedu yahay
"Xusa Ilaahay maalmo tirsan, ciddiise degdegta laba maalmood dhexdooda dambi korkiisa ma
aha, ciddii dib martana dambi korkiisa ma aha(203)."
Al Ayyaamu Al Macluumaatu-na\‫األيام المعلومات‬, oo macneheedu yahay Maalmaha la Yaqaanno,
waa tobanka maalmood oo ugu horreeysa bisha Thul Xajjah\‫ذوالحجة‬.
Laba. Maalinta Koowaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\‫أيام التشريق‬, oo ay bishu tahay kow iyo
toban, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Qarri\‫يوم القر‬, oo macneheedu yahay maalinta degidda iyo
ku xasilidda, oo istiqraar\‫ استقرر‬halkaas ayuu ka yimid. Wuxuu xaajigu maalintaas Jamro walba
kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo sidaasuu wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax usoo
tuurayaa.
Saddex. Maalinta Labaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi‫أيام التشريق‬, oo ay bisha Thul Xajjah\‫ذوالحجة‬
tahay laba iyo toban, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Nafri Al Uulaa\‫يوم النفر اآلولى‬, oo
macneheedu yahay maalinta koowaad ee ka bixidda Minaa\‫منى‬, oo uu ka bixi karo qofkii buka,
ama sabab fiyow oo uu ku baxo leh, oo degdegsan. Qofkaasi waa inuu Minaa\‫ منى‬ka baxaa
intaya Salaadda Maghrib soo gelin, oo ay weli maalin tahay. Maalintaanna wuxuu Jamro walba
kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo uu wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax usoo tuurayaa.
218
Afar. Maalinta Saddexaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi‫أيام التشريق‬, bishuna ay tahay saddex iyo
tobanka Thul Xajjah\‫ذوالحجةة‬, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Nafri Al Thaanii\‫يوم انفر الثاني‬, oo
macneheedu yahay maalinta labaad ee bixidda, Minaa\‫ منى‬laga baxo. Maalintaannna xaajigu
Jamro walba wuxuu kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo wadar ahaan wuxuu soo tuurayaa kow
iyo labaatan dhagax.
Mar walba Jamraadka waxaa loo tuurayaa siday isugu xigaan: marka hore Jamratul Uulaa
\‫الجمرة اآلولى‬, kaddib Jamratul Wusdhaa\‫الجمرة الوسطى‬, ugu dambeyntiina Jamratu Al
Caqabah\‫جمرة العقبة‬.
219
220
Mina: masjidu Al Khayfi\‫ مسجد الخيف‬iyo degmooyinka qaarkood.
Xikmooyinka Qusayy\‫قصي‬
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu ahaa nin caqli ballaaran, aragti fogna leh, xikmana lahaa. Hadalladiisa ka
haray oo xikmadiisa muujinaya waxaa ka mid ah:
"Qofkii munaafaq karaameeya munaafaqnimadiisu la wadaaga, oo isagana soo gaarta".
"Qofkii xumida wax san ka dhigtah, isaguna waa xumaadaa".
"Qofkaan karaamadu toosinnin, oo aan u qalmin, dullinnimada ayuu u qalmaa".
"Qofkii sadkiisa ka badan doona, wax walba ayuu waayaa."
"Xaasidnimadu waa cadawga qarsoon oo qofku leeyahay."
Waxaan hadalladiisaas ka garaneynna inuu Qusayy\‫ قصي‬ahaa nin munaafaqnimada aad u
neceb iyo akhlaaqda xunba, wuxuuna ahaa geesi neceb isla weynida iyo xaasidnimadaba.
Qusayy\‫ قصي‬walaalihiis
Qusayy bin Kilaab\‫ قصي بن كالب‬waxaa la dhashay, xagga aabihiis, Zuhratu bin Kilaab ‫زهرة بن‬
\‫كالب‬, hooyadooda dhashayna waa Faadhimatu bintu Sacd bin Sayl \‫فاطمة بنت سعد بن سيل‬, una
dhalatay qabiilka Al Jadarata\‫الجدرة‬, kana sii ah Jucthumatu\‫( جعثمة‬waa tha saddex dhibcood
leh) Al Azdi\‫األزدي‬, oo reer Yaman\‫ يمن‬ah, axdina la lahaa oo xaliif u ahaa Banii Addiil bin
Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah\‫بني الديل بن بكر بن كنانة‬. Xagga hooyadana waxay Qusayy
\‫ قصي‬walaalo ka yihiin Rizaax bin Rabiicah\‫رزاح بن ربيعة‬.
Ilmaha Qusayy\‫قصي‬
Qusayy\‫ قصي‬ilmihiisu waxay ahaayeen:
(Kow) Cabdi Manaaf\‫عبد مناف‬, iyo (Laba) Cabda Al Ddaari\‫عبد الدار‬, iyo (Saddex) Cabdu Al
Cuzzaa\‫عبد العزى‬, iyo (Afar) Cabdi\‫عبد‬, iyo (Shan) Abuu Camr\‫أبوعمر‬, iyo (Lix) Takhmur bintu
Qusayy\‫تخمر بنت قصي‬, iyo (Toddoba) Barratu bintu Qusayy\‫برة بنت قصي‬, iyo (Sideed) Tumaadar
(waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Qusayy\‫تماضر بنت قصي‬, iyo (Sagaal)
Qilaabatu bintu Qusayy\‫قالبة بنت قصي‬, iyo (Toban) Xayyatu bintu Qusayy\‫حية بنت قصي‬, iyo
(Kow iyo toban) Ummu Al Akhtham Haalatu bintu Qusayy\‫أم األخثم هالة بنت قصي‬, iyo (Laba iyo
toban) Ummu Sufyaan bintu Qusayy\‫أم سفيان بنت قصي‬. Intaasoo caruur ah hooyadood waa
Xubbaa bintu Xulaylu ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin Kacb bin Camr Al Khuzaacii ‫حبة بنت‬
\‫حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمرو الخزاعي‬.
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu kaloo guursaday haweeney Thaqiif\‫ ثقيف‬u dhalatay, waxayna u dhashay
gabar la yiraahdo (Saddex iyo toban) Raydhatu bintu Qusayy\‫ريطة بنت قصي‬.
221
Dhimashada Qusayy\‫قصي‬
Qusayy\‫ قصي‬wuxuu dhashay qiyaas boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taariikhdaasoo ku beegnayd sanadka afar
boqol ee Miilaadiga, wuxuuna dhintay isagoo sideetan sano jira, qiyaas sagaashan sano
dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor, markuu sanadka
Miilaadiga ahi ahaa afar boqol iyo sideetan.
Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\‫ قصي‬ku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al
caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi
wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran.
222
Taxanaha
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(Shan)
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Awoowayaalkiisa ilaa Aadan
Quraysh
‫قريش‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
USA
223
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
1. Tusmada Kitaabka
2. Araarta dhigaha kitaabka
3. Kilaab
4. Bilaha Carabta zamanka jaahiliyada
5. Bilaha Carabta
6. Bilaha krishtaanka
7. Magacda maalmaha toddobaadka Carabta
8. Magacda maalmaha toddobaadka krishtaanka
9. Kilaab ilmihiisa
10. Kilaab walaalihiis
11. Murratu
12. Murratu ilmihiisa
13. Murratu walaalihiisa
14. Kacb
15. Ayaamaha Carabta ee zamanka jaahiliyada
16. Kacb ilmihiisa
17. Kacb walaalihiisa
18. Amarka Cawf bin Lu'ayy
19. Lu'ayy
20. Lu’ay ilmihiisa
21. Lu’ayy walaalihiisa
22. Lu'ayy iyo Badr
23. Xasaan, Boqorka Yaman oo Kacbada kusoo duulay
24. Ghaalib
25. Ghaalib ilmihiisa
26. Ghaalib walaalihiisa
27. Fihr
28. Fihr ilmihiisa
29. Maalik
30. Maalik iyo Saaburr Thaa Al Aktaaf
31. Maalik ilmihiisa
32. Maalik walaalihiisa
33. Al Nadr
34. Al Nadru ilmihiisa
35. Al Nadru walaalihiisa
36. Kinaanatu
37. Kinaanah ilmihiisa
38. Kinaanah walaalihiisa
39. Khuzaymatu
40. Khuzaymah ilmihiisa
41. Khuzaymah walaalihiisa
42. Mudrikatu
43. Mudrikah ilmihiisa
44. Mudrikah walaalihiisa
Bogga
523
555
227
227
228
228
228
229
229
229
230
230
230
231
231
232
232
234
234
234
234
234
235
235
235
236
236
237
237
237
239
239
240
240
240
240
242
242
242
243
244
244
245
245
224
45. Ilyaas
46. Ilyaas ilmihiisa
47. Ilyaas walaalihiisa
48. Mudar
49. Mudar ilmihiisa
50. Mudar walaalihiisa
51. Nizaar
52. Dardaaranka Nizaar ee wiilashiisa
53. Ilmo Nizaar iyo Al Jurhumii
54. Nizaar ilmihiisa
55. Nizaar walaalihiisa
56. Macadd
57. Macadd ilmihiisa
58. Macadd walaalihiisa
59. Cadnaan
60. Cadnaan ilmihiisa
61. Cadnaan walaalihiisa
62. Udd ilaa Nabi Aadan, Calayhissalaamu
245
246
246
247
248
248
249
250
252
254
254
254
255
255
255
255
255
256
225
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa
Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini.
‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره‬.‫بإحسان إلى يوم الدين‬
.‫الغافلون‬
Kitaabkaan Qusayy\‫( قريش‬waa saad) kana kooban laba iyo lixdan qaybood waa kii afaraad ee
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda‫ المراجع‬dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan
Tafaasiitka Al Baghawii\‫تفسير البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫ األلوسي‬, Dhaahir
Caashuur\‫ طاهر عاشور‬iyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al
Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka\‫ ;السنن‬Kutubbada Siirada sida
Ibnu Hishaam\‫( إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al
Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka
Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu
Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al
Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo
dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin
Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫( القاضي اإلمام حسين بن محمد بن الحسن الدياربكري‬oo
dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al
Xalabii\‫( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al
Qadii Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, iyo Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo
Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati ‫كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير‬
\‫ البرية‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin
Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi\‫ اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسي‬oo
faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga)
iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\‫ دليل الحاج المصور‬uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal
\‫صالح محمد جمال‬, intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta
ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ee Al Xaafith
Abii Nucaym Al Asbahaanii\‫ الحافظ أبي نعيم األسبهاني‬oo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga)
iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii\‫( اإلمام الشافعي‬dhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee
Hijriga) ee Al Ummu\‫ األم‬iyo Culuumu Al Quraani\‫علوم القرآن‬, iyo kutubbada Imaam Al
Nawawii\‫( اإلمام النووي‬oo noolaa inta u dhexeysa lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo
toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc\‫المجموع‬, Manaasiku Al Xajji\‫ مناسك الحج‬uuna sharxay
Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\‫( أبن حجر الهيتمي‬oo Makkah\‫ مكة‬ku dhintay sagaal boqol afar iyo
toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\‫األذكار‬, Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi
\‫ سبائك الذهب في معرفة قبائل العرب‬ee Shaykh Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al
shahiir bi Al Suwaydii\‫الشيخ أبي الفوز محمد امين البغدادي الشهير بالسويدي‬, Lisaanu Al Carabi ‫لسان‬
\‫ العرب‬ee Al Imaamu ibnu Al Manthuur\‫( اإلمام إبن المنظور‬nolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo
226
soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\‫ مختار الصحاح‬ee Al
Raazii\‫الرازي‬, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda
Islaamka
Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay
iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay
Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, uuna tarjumay
Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee. Waxa
suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii
qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa
Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo,
qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan
jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo
nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la
hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah:
Dr. Xasanweai Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Arbaco, saddex iyo labaatan Shacbaan\‫ شعبان‬kun afar boqol saddex iyo labaatan, una dhiganta
soddonka oktoobar laba kun iyo laba.
227
Kilaab\‫كالب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shanaad waa Kilaab bin
Murrata\‫ كالب بن مرة‬. Kilaab\‫ كالب‬macnihiisa waxaa lagu sheegay inuu ka yimid Al
Mukaalabatu\‫المكالبة‬, oo ah eeyaha oo lagu ugaarsado, oo kalb\‫ كلب‬waa eyga; ama waaba jamaca
eyga oo ah eeyo badan, ayagoo badnaan doonaya, oo ah inay wiilal badan dhalaan, oo uu
reerku sidaas ku bato.
Waxaa Abuu Ruqayshi\‫ أبورقيش‬la waydiiyay:
"Maxaad wiilashiinna magacda ugu xun ugu bixisaan, sida Kalb \‫( كلب‬oo ah eyga) iyo Thi'b\‫ذئب‬
(oo dhurwaaga ah) addoommadiinana aad magacda ugu fiican ugu bixisaan, sida Marzuuq
\‫( مرزوق‬midka la rizqiyo) iyo Rabaax\‫( رباح‬oo ah ribix iyo faaiido)?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wiilasheenna waxaan magacdaas ugu bixinnaa cadawgeenna (oo ay markay maqlaan ka
baqdaan), addoomadeenana nafteenna daraadeed ayaan magacdaas ugu bixinnaa (oo ay markay
maqlaan ku farxaan)"
Wuxuu ka wadaa inay wiilashu cudud cadawga loogu talo galay yihiin iyo fallaaro dhuuntooda
ku taagan, oo ay markaas magacdaan ugu bixiyeen.
Waxaa la yiri inuu Kilaab\‫ كالب‬koofaar yahay, magaciisuna uu Xakiim\‫ حكيم‬yahay. Waxaa
kaleetoo la yiri inuu magaciisu ahaa Curwah\‫عروة‬, oo Kilaab\‫ كالب‬loogu bixiyay isagoo eeyaha
aad ugu ugaarsan jiray.
Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬hooyadiis waa Hind bintu Surayri bin Al Xaarith bin Fihr bin
Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah\‫هند بنت سرير بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة‬.
Bilaha Carabta zamanka jaahiliyada
Tan iyo inta Kilaab‫ كالب‬laga soo gaaro magacda bilaha ay Carabtu tirsato waxay ahaayeen
sidatan: (1) Mu'tamar\‫مؤتمر‬, looguna bixiyay inuu qofku fartoomayo wuxuu sanadkaas la
yimaado oo uu gooyo. (2) Naajir\‫ناجر‬, kana yimid Al Najr\‫النجر‬, oo ah kulaylka badan. (3)
Khawaan\‫خوان‬, kana yimid khayaano ayadoo ay bishaan ahayd bisha dhiigagga la isku
leeyahay la isaga aar goosto, ka hor intaan Bilaha Xurmada Leh soo gelin. (4) Sawaan\‫صوان‬
(waana saad), kana yimid Al Sayaanah\‫صيانة‬,oo ah dayactirka. (5) Al Zabaa\‫الزبا‬, oo loogu
bixiyay badnida dagaallada dhexdeeda ka dhaca. (6) Al Asammu\‫( األصم‬waa saad), oo ah
dhegoolaha, ayagoo bishaas dagaalka ka hari jiray, oo aan markaas dhawaaqa hubka iyo
sharqantiisa la maqlayn. (7) Al Waghlu\‫الوغل‬, oo ah midka wax cabbah, ayagoo bishaas
khamrada aad u cabbi jiray, intayan bisha ku xigtah, oo bilaha Xajka ah, soo gelin. (8)
Naadhil\‫ناطل‬, oo ah beegga khamrada, looguna bixiyay siday cabidda ugu talax tegi jireen,
beegaasna ay ku cabbi jireen. (9) Al Caadil\‫العادل‬, oo cadaalad ku tilmaaman, ayadoo ay bilaha
Xajka ka mid tahay, ayna xumaanta ka fogaan jireen. (10) Naatiq\‫ ناتق‬oo ah Al Caathil. (11)
Hawaac\‫هواع‬. (12) Barak\‫برك‬, looguna bixiyay inuu geelo arrunto markuu manxarka lagu
gawracayo yimaado. Waxaa kaloo bishaan la oran jiray Al Maymuun\‫الميمون‬.
228
Bilaha Carabta
Markaasuu Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬wuxuu u arkay inuu magacda bilahaas beddelo,
una bixiyo wax tusaya dhacdo dhexdeeda ka dhacda, wuxuuna u kala bixiyay: (Kow)
Muxarram\‫محرم‬, ayadoo bishaan dhexdeeda uu dagaal xaaraan yahay. (Laba) Safar\‫( صفر‬waa
saad), oo macneheedu yahay maran, ayadoo ay goryohoodu raggii ka maran yihiin, ayagoo
dagaallo u baxay, kaddib markay bilihii xurmada lahaa idlaadeen. (Saddex) Rabiicu Al
Awwal\‫ ربيع األول‬iyo (Afar) Rabiicu Al Aakhar\‫ربيع اآلخر‬, ayagoo ay labadaan biloodba intuu
roob da'oh, uu arligu cagaaran yahay, oo rabiic waa doogga. (Shan) Jamaadu Al Uulaa ‫جماد‬
\‫ اآلولى‬iyo (Lix) Jamaadu Al Aakhar\‫جماد اآلخر‬, ayadoo ay labadaan bilood biyuhu fariistaan.
(Toddoba) Rajab, oo macneheedu yahay weyneyn, oo tilaameysa siday ula weyneyd oo ay u
weyneyn jireen, oo Al Tarjiibu wa Al Tacthiimu\‫ التجريب والتعظيم‬oo ah weyneynta. (Sideed)
Shacbaan\‫شعبان‬, oo loogu bixiyay sida u kala tageen oo ay qaaradaha kala duwan u aadeen oo
degeen, oo waxay ka timid tashaccabuu oo shicib waa dariiqa buuraha dhex mara. (Sagaal)
Ramadaan\‫رمضان‬, oo loogu bixiyay kulaylkeeda, sida ayadoo Ramdaa'\‫ رمضاء‬ah, oo ah
dhagaxda iyo quruuruxa kulul. (Toban) Shawwaal\‫شوال‬,oo loogu bixiyay ayadoo uu geelu
qooqo, ama ay saynta kor u qaadaan. (Kow iyo toban) Thu Al Qacdah\‫ذوالقعدة‬, oo ka tirsan
bilaha xurmada leh, oo markaas dagaalka ka fariistaan, oo qacada waxaa weeye waa fariistay.
(Laba iyo toban) Thu Al Xajjah\‫ذوالحجة‬, oo ah bisha la xajjiyo, oo uu xajku dhexdeeda ku jiro.
Bilaha krishtaanka
Bilaha ay dadaka Krishtaanka ahi tirsadaan iyo macnohoodu waxaa weeye: (1) January, oo
loogu magac daray Janus oo ahaa sanam ay caabudi jireen oo laba waji lahaa, ahaana ilaahooda
albaabbada laga galo. (2) February, oo ay ugu bixiyeen iidda is daahirinta oo la oran jiray
Februa, oo shan iyo tobanka bishaas ay u iidi jireen. (3) March, ayna ku sammiyeen ilaahooda
Mars magaciisu ahaa, ahaana ilaaha dagaalka iyo beeraha. (4) April, oo ay ku magacaabeen
ilaahadda ay caabudi jireen oo magaceedo ahaa Aphrodite, ahaydna ilaahadda jeceylka ee
Griigga. (5) May, ayna ugu magac dareen ilaahadda ay Roomaanku caabudi jireen oo
magaceedu ahaa Maia, ilaaha Vulcan la yiraahdana saaxiib la ahayd. (6) June, ayna ugu magac
dareen ilaahad talyaaniga la caabudi jiray oo magaceedu Juno ahaa. (7) July, oo lagu sammiyey
Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Julius Caesar, oo bishaas dhashay. (8) August, oo loogu
magac daray Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Augustus Caesar. (9) September, oo ka timid
Septem oo ah toddoba. (10) October, oo ka timid octo oo ah sideed. (11) November, oo ka
timid novem, oo ah sagaal. (12) December, oo ka timid decem, oo ah toban.
Magacda maalmaha toddobaadka ee Carabta
Maalmaha toddobaadka oo ay Muslimiintu tirsadaan waa sidatan: (Axas) Axad\‫األحد‬, oo ah
koowaad, oo waa maalinta koowaad ee toddobaadka. (Laba) Isniin\‫اإلثنين‬, oo ah midda labaad,
oo waa maalinta labaad ee toddobaadka. (Saddex) Talaado\\‫الثالث‬, oo ah saddexaad, oo waa
maalinta saddexaad ee asbuuca. (Afar) Arbaco\‫األربعاء‬, oo ah afaraad, oo waa maalinta afaraad
ee toddobaadka. (Shan) Khamiis\‫الخميس‬, oo ah shanaad, oo waa maalinta shanaad ee asbuuca.
(Lix) Jimce\‫الجمعة‬, oo ah maalinta la kulmo. (Toddoba) Sabti\‫السبت‬, oo macneheedu yahay ka
joogsi, waana maalinta toddobaad ee asbuuca.
229
Magacda maalmaha toddobaadka ee krishtaanka
Maalmaha ay Krishtaanku tirsadaanna waa sidatan: (1) Sunday, oo ah maalinta qorraxda, oo
sun waa qorraxda. (2) Monday, oo ah maalinta dayaxa, oo moon waa dayaxa. (3) Tuseday, oo
ah maalinta Tiw, oo ah sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen ayna yiraahdeen waa ilaaha
dagaalka. (4) Wednesday, ahna maalinta Madaxa ilaahyaday caabudi jireen oo magaciisu ahaa
Woden, oo arliga Jarmanka laga caabudi jiray. (5) Thursday, oo ah maalinta Thor, oo uu
Jarmanku u caabudi jiray inuu yahay ilaaha cirka. (6) Friday, oo ah maalinta Fria, oo ahayd
ilaahadda ay Jarmanku u caabudi jireen inay tahay ilaahadda jeceylka. (7) Saturday, oo ah
maalinta sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen oo magaciisu Saturn ahaa.
Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬wuxuu Quraysh\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬dibaddeeda uga qoday
ceelal, ayna ka mid yihiin ceelka la yiraahdo Khum\‫ خم‬iyo ceelka la yiraahdo Al Xufru\‫الحفر‬.
Kilaab‫ كالب‬ilmihiisa
Kilaab bin Murrata‫ كالب بن مرة‬wuxuu dhalay ilmaha soo socda: (1) Qusayy bin Kilaab ‫قصي‬
\‫بن كالب‬, oo ay isaga iyo walaalkiis Zuhratu\‫ زهرة‬iyo walaashiis Nucam\‫ نعم‬ay isku hooyo
yihiin, ayna dhashay Faadhimatu bintu Sacd bin Sayali \‫فاطمة بن سعد بن سيل‬, oo u dhalatay Al
Jadarata\‫ الجدرة‬, kana sii ah Jucthamatu Al Azd\‫ جعثمة األزد‬oo reer Yaman\‫ يمن‬ah, xulafana la
ahaa reer Banuu Al Diil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah ‫بنو الديل بن بكر بن عبد مناة بن‬
\‫كنانة‬. Awooweheed Sayali\‫سيل‬, oo sayal\‫ سيل‬waxaa la yiraahdaa sabuulka, magaciisuna uu
Khayru bin Xamaalata‫ خير الحمالة‬yahay, wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo seefaha dahab iyo
qalin ku dheeha, oo ku qurxiya, waana madaxa iyo galka seefaha. (2) Zuhratu bin Kilaab ‫زهرة‬
\‫بن كالب‬. (3) Nucam bintu Kilaab\‫نعم بن كالب‬, oo ah hooyada dhashay Sacd iyo Sucayd ‫سعد بن‬
\‫سعيد‬, una dhashay Sahm bin Camr bin Husays (waa laba saad) bin Kacb bin Lu'ayy ‫سهم بن‬
\‫عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي‬.
Kilaab‫ كالب‬walaalihiisa
Kilaab‫ كالب‬aabihiis Murrata‫ مرة‬wuxuu dhalay caruurta soo socota: (1) Kilaab bin Murrata
‫كالب بن مرة‬, oo aan ka warbixinnay. (2) Taym bin Murrata\‫تيم بن مرة‬, oo ah awoowaha lixaad
ee Cabu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir ibnu Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin
Murrata‫عبد هللا بن عثمان بن عامر إبن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة‬, oo ah Abuu Bakar Al
Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, oo Abuu Bakar‫ أبوبكر‬waa koofaar. (3)
Yaqthatu (waa tha kor dhibic ku leh oo cayn ka horreysa) bin Murrata\‫يقظة بن مرة‬, oo ah aabaha
dhalay ninka la yiraahdo Makhzuum bin Yaqthata\‫ مخزوم بم يقظة‬oo ay Qurayshta\‫ قريش‬reer
Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬ku abtirsato, uuna ka dhashay Khaalid bin Al Waliid\‫خالد بن الوليد‬,
Allaha raalli ka noqdee. Yaqthatu\‫ يقظة‬hooyadiis waxaa la yiraahdaa Al Baariqiyyata\‫البارقية‬, oo
ah haweeney u dhalatay qabiilka la yiraahdo Baariq\‫بارق‬, looguna bixiyey ayago biriq raacay,
oo daba galay; waxaa kaloo la yiri in magacaas loogu bixiyey ayagoo buur la yiraahdo Baariq
\‫ بارق‬agteeda degay. Baariq\‫ بارق‬waxay u dhasheen qabiilka la yiraahdo Banii Cadiyyi bin
Xaarith bin Camr bin Caamir bin Xaarithah bin Imri'i Al Qays bin Thaclabah bin Maazin bin
Al Asad bin Al Ghawth (waa tha saddex dibcood kor ku leh) ‫بني عدي بن حارث بن عمرو بن عامر بن‬
\‫حارثة بن امرأ القيس بن ثعلبة بن مازن بن األسد بت الغوث‬, waxayna ka tirsanyihiin Shanuu'ah‫شنوءة‬.
230
Waxaa kaloo la yiri Al Baariqatu\‫ البارقة‬waa hooyada Taym bin Murrata\‫ تيم بن مرة‬dhashay.
Waxaa kaloo la yiri: Taym Hind bintu Surayr\‫ تيم هند بنت سرير‬waa Kilaab‫ كالب‬hooyadiis.
Murratu‫مرة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lixaad waa Murratu bin
Kacb\‫مرة بن كعب‬. Erayga Murratu\‫ مرة‬waa tilmaan ama magac ka mid ah magacda haruurka la
cuno oo magaciisu yahay Al Xanthalatu\‫( الحنظلة‬waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah) iyo
Al Calqamatu\‫العلقمة‬, oo ay mirihiisu miraha bariiska ka yaryaryihiin, oo, markaas, magacu
ninka loo bixiyo uu kharaar ku tilmaamayo, oo murr waa kharaarka.
Al Murrah\‫ المرة‬waxaa weeye oo kale, siduu Abuu Xaniifah\‫ أبو حنيفة‬u xusay, dhir sida bagalka
oo kale ah oo dhulka laga soo qodo, oo khal iyo saliid lagu cuno.
Murrah bin Kacb‫ مرة بن كعب‬koofaartiisu waa Abuu Yaqthata\‫( أبويقظة‬waa tha dhibic kor ku
leh oo dha ku xigtah).
Murrah hooyadiis waa Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr bin Maalik bin Al
Nadr\‫وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر‬.
Murratu‫ مرة‬ilmihiisa
Murratu‫ مرة‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Kilaaba bin Murrata\‫ كالب بن مرة‬, oo
hooyadiisna ay tahay Hind bintu Suraaji bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin
Kinaanah bin Khuzaymah\‫ هند بنت سراج بن ثعلبة بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة‬. (2)
Yaqthatu (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah, caynkana ka horreysa) bin Murrata ‫يقظة‬
\‫بن مرة‬, hooyadiisna waa Al Baariqiyyah\‫البارقية‬, oo ah haweeney u dhalatay qabiilka la
yiraahdo Baariq\‫ بارق‬oo ka tirsan Al Asad\‫ األسد‬ee reer Yamaneed\‫ يمن‬ah. Waxaa kaloo la yiri:
hooyadiis waa Taym\‫تيم‬. Yaqthah\‫ يقظة‬wiilkiisa Makhzuum bin Yaqthata\‫ مخزوم بن يقظة‬waa
awoowaha ay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬ku abtirsadaan, uuna ka dhashay
Seefta Ilaahay ee Galka ka siiban Khaalid bin Al Waliid\‫خالد بن الوليد‬, Allaha isaga iyo Asxaabta
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhammaantood raalli ka noqdee. (3)
Taym bin Murrata\‫تيم بن مرة‬.
Murratu bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬waxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo nasabaka Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir ‫عبد هللا بن عثمان بن‬
\‫ عامر‬oo ah Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, oo Abuu Bakar Al
Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬waa koofaar.
Muuratu‫ مرة‬walaalihiis
Murrah bin Kacb\‫ مرة بن كعب‬waxaa la dhashay laba nin oo kala ah: (1) Cadiyyu bin Kacb ‫عدي‬
\‫ بن كعب‬iyo (2) Husays (labaduba waa saad) bin Kacb\‫هصيص بن كعب‬. Labadaas nin hooyada
dhashay waa isla hooyada Murrah‫ مرة‬dhashay oo waa isku wada hooyo.
231
Kacb‫كعب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddobaad waa Kacb bin
Lu'ayy\‫كعب بن لؤي‬. Kacb‫ كعب‬hooyadiis waa Maawiyyatu bintu Kacb bin Al Qayn bin Jasrin
\‫ماوية بنت كعب بن القين بن جسر‬, oo qabiilka Qudaacah\‫ قضاعة‬u dhalatay.
Kacb‫ كعب‬koofaartiisu waa Abuu Husays\‫أبوهصيص‬. Kacb‫ كعب‬hooyadiis Maawiyyatu\‫ماوية‬
macnaha magaceedu waxaa weeye muraayad, oo Maawiyyatu \‫ ماوية‬waxaa la yiraahdaa
muraayadda la isku fiiriyo, looguna bixiyay saafinnimadeeda.
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬wuxuu ka mid ahaa ragga Makkah\‫ مكة‬ku nool oo aan asnaamta
caabudi jirin, wuxuuna ahaa Muslin ku taagan Diintii Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu,
lana oran jiray Al Xunafaa'u\‫الحنفاء‬. Kacb wuxuu ahaa Sayyidka iyo hoggaamiyaha
Quraysh\‫قريش‬, wuxuuna Quraysh‫ قريش‬kulmin jiray toddobaadkiiba maalin, maalintaasoo la
oran jiray Yawmu Al Curuubah\‫يوم العروبة‬, wuxuuna ku waanin jiray falidda wanaagga, riximka
in la xiriiriyo, xididka xiriirintiisa, maalka in lagu shaqeeyo oo laga miro dhaliyo.
Wuxuu kaloo ku guubaabin jiray inay arkaan Aayaadka Ilaahay ee ah Samada iyo xiddigaha,
iyo habeenka iyo maalinta, iyo buuraha iyo inuuu qofkii dhintah uusan adduunkaan kusoo
noqoneyn, si ay ugu waantoobaan oo ay ugu cibro qaataan.
Ayaamaha toddobaadka ee Carabta zamanka jaahiliyada
Zamankiisaas ayaamaha ay Carabtu tirsato ee toddobaadku ma ayan lahayn magacda aan
maanta u naqaanno, oo ah Sabti iyo Axad iyo Isniin iyo Talaado iyo Arbaco iyo Khamiis iyo
Jimce iyo Sabti, waxaase la oran jiray Awwal\‫أول‬, oo ay Axadda oran jireen, Ahwan\‫أهون‬, oo
ay Isniinta oran jireen, iyo Jabaar\‫جبار‬, oo ay Talaadada oran jireen, iyo Dabaar\‫ دبار‬oo ay
Arbacada oran jireen, iyo Mu'nis\‫ مؤنس‬oo ay Khamiista oran jireen, iyo Curuubah\‫ عروبة‬oo ah
Jimcaha oran jireen, iyo Shayaar\‫ شيار‬oo ay Sabtida oran jireen.
Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu maalinta
Jimcaha ka yiri:
".‫"إن هذا يوم جعله هللا للمسلمين عيدا‬
"Inna haathaa yawmun jacalahu Allaahu li al Muslimiina Ciidan"
oo macneheedu yahay:
"Kani waa maalin uu Ilaahay Muslimiinta iid uga dhigay."
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬wuxuu dadkiisa ugu yeeri jiray inay isku jilicsanaadaan oo ay
isku naxariistaan, wuxuuna uga warrami jiray soo diridda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, uuna sheegi jiray inuu dhashiisa ka mid yahay, kuna boorrin jiray inay rumeeyaan
oo ay raacaan.
232
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬tolkiis aad ayay u jeclaayeen, ilaa heer ay markuu dhintay
taariikhdooda ka tirsan jireen, oo uu sidaas calaamad calaamadaha Makkah\‫ مكة‬ka mid ah uu
noqday.
Erayga Kacb\‫ كعب‬wuxuu ka yimid erayga Al Kacbu\‫ الكعب‬la yiraahdo, oo macnihiisu yahay cad
subag ama baruur ah. Ama wuxuu ka yimid ciribta cagta, oo kacb \‫ كعب‬waxaa kaloo la
yiraahdaa ciribta.
Kacb‫ كعب‬ilmihiisa
Kacb bin Lu'ayy‫ كعب بن لؤي‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Murratu bin Kacb ‫مرة بن‬
\‫كعب‬, (2) Cadiyyu bin Kacb\‫عدي بن كعب‬, iyo (3) Husays bin Kacb\‫( هصيص بن كعب‬labaduba waa
saad). Husays\‫ هصيص‬waxaa la yiraahdaa qabadka faraha gacanta oo wax lagu qabto.
Saddexdoodaas walaalaha ahna waxaa dhashay Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin
Fihr bin Maalik bin Al Nadr\‫ وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر‬.
Kacb‫ كعب‬walaalihiisa
Kacb bin Lu'ayy‫ كعب بن لؤي‬waxaa la dhashay dadka soo socota: (1) Caamir bin Lu'ayy ‫عامر‬
\‫بن لؤي‬, (2) Saamatu bin Lu'ayy\‫سامة بن لؤي‬, (3) Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن لؤي‬, (4) Al Xaarithu
bin Lu'ayy\‫الحارث بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Jusham bin Al Xaarith ‫جشم بن‬
\‫الحارث‬, (5) Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Bunaanatu\‫بنانة‬
oo Shaybaan\‫ شيبان‬ka tirsanaa, looguna bixiyay haweeney magaceeda Bunaanatu \‫ بنانة‬la oran
jiray oo xannaaneyn jirtay.
Waxaa zamankii Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee,
Cumar\‫ عمر‬u yimid rag ah faricii Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬, uuna hoggaaminayo ninka la
yiraahdo Abuu Al Dahmaa'\‫أبو الدهماء‬, kaasoo Cumar\‫ عمر‬la hadlay oo weydiistay inuu
qabiilkooda Quraysh\‫ قريش‬ahaan u aqoonsado, Qurayshna\‫ قريش‬uu ku daro oo ka daba geeyo.
Codsigaas Cumar\‫ عمر‬waa ka diiday.
Markaasuu Cuthmaan bin Caffaan Thaa Al Nurayn \‫عثمان بن عفان ذا النورين‬, Allaha raalli ka
noqdee, wuxuu Cumar\‫ عمر‬u sheegay inuu aabihiis Caffaan\‫ عفان‬isaga u sheegay runnimada
nasabkoodu inuu Quraysh\‫ قريش‬yahay iyo sababta ay Qurayshtii\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬degganaeyd
uga tegeen.
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu raggaas ballamiyay inay sanadka midkaas ku xigah u
yimaadaan, markaasoo uu Quraysh\‫ قريش‬ku darayo. Markaasaa markay ka gaddoomeen waxaa
la dilay Abuu Al Dahmaa'\‫أبوالدهماء‬, markaasey amarkiisa ku mashquuleen ilaa uu Cumar\‫عمر‬
ka dhintay, Allaha raalli ka noqdee.
Markaasuu Cuthmaan\‫ عثمان‬Quraysh\‫ قريش‬ku daray, markuu hoggaanka Dawladda Islaamka
qabtay.
233
Markuu Calii\‫علي‬, Allaha raalli ka noqdee, hoggaanka qabtay, ayuu Quraysh \‫ قريش‬ka saaray,
nasabkoodana uu u celiyay Shaybaan\‫شيبان‬, oo ah jilibka ay qabiilka wayn ee Rabiicah \‫ ربيعة‬la
yiraahdo kala degeen. (6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\‫خزيمة بن لؤي‬, uuna ka farcamay qabiilka la
yiraahdo Caa'ithatu\‫عائذة‬.
Raggaas oo idil waxaa dhashay isku hooyo, ahna hooyada dhashay Kacb bin Lu'ayy ‫كعب بن‬
‫لؤي‬, intaan ka ahayn Caamir bin Lu'ayy\‫ عامر بن لؤي‬oo hooyadiis la yiraahdo Makhshiyyatu
bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\‫مخشية بنت شيبان بن محارب بن فهر‬. Waxaa kaloo la yiri:
hooyadiis waa Laylaa bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\‫ليلى بنت شيبان بن محارب بن غهر‬.
Saamatu bin Lu'ayy\‫ سامة بن لؤي‬Makkah\‫ مكة‬wuu ka guuray, wuxuuna degey Cummaan\‫عمان‬,
waxaana la yiri waxaa Makkah\‫ مكة‬ka saaray walaalkiis Caamir\‫عامر‬, sababtuna ay ahayd inay
wax dhex mareen, oo uu markaas Saamatu\‫ سامة‬walaalkiis Caamir\‫ عامر‬il kasoo saaray oo uu
ishii tiray.
Markaasuu Caamir\‫ عامر‬cabsiiyey, Saamatuna\‫ سامة‬uu Cummaan\‫ عمان‬u guuray. Waxaa la yiri
in Saamatu\‫ سامة‬isagoo hashiisa saaran ayay hashii madaxeeda intay dhulka saartay ayay
daaqday. Markaasuu mas faruuryaha ka qaniinay, oo uu bashimihii goostay. Markaasey hashii
dhinac u dhacday, isagiina uu la dhacay. Markaasuu maskii Saamatana qaniinay oo uu dilay.
Saamatu\‫ سامة‬markuu arkay inuu dhimanayo, ayuu gabay tiriyay uu ku abtirsaday, oo uu
walaalihiis Caamir\‫ عامر‬iyo Kacb\‫ كعب‬salaan u diray, uuna ogeysiinayo inuu u hiloobay
araggooda, iyo in inkastoo uu Cummaan\‫ عمان‬deggan yahay uu ina Ghaalib\‫ غالب‬yahay (oo ah
awoowihiisa aabihiis Lu'ayy\‫ لؤي‬dhalay), uuna reer Makkah\‫ مكة‬yahay, halkaasna uu kasoo
baxay.
Qaar Saamatu\‫ سامة‬faraciisa ka mid ah ayaa waxay u yimaadeen Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay markaas Saamatu bin Lu'ayy\‫ سامة بن لؤي‬ku abtirsadeen.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫"آلشاعر؟‬
"Aa Al Shaaciri?", oo macneheedu yahay: "Gabayaagiibaa?"
Markaasuu nin asxaabtii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, intuu tix
gabaygii Saamatu\‫ سامة‬tiriyay wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaad mooddaa inaad u dan
leedahay hadalkiisii uu yiri (oo uu tixda ka wado)?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أجل‬
"Ajal" oo ah: "Haa".
234
Amarka Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن مؤي‬
Cawf bin Lu'ayy\‫ عوف بن مؤي‬Makkah\‫ مكة‬ayuu ka baxay isagoo Safar Quraysh\‫ قريش‬la socda,
sida la yiri, markaasuu markay arliga qabiilka Ghadhafaan bin Sacd bin Qays bin Caylaan
\‫ غطفان بن سعد بن قيس بن عيالن‬marayaan, ayuu gaabiyay oo ay raggii kale oo Safarku meeshaas
uga tageen. Markaasaa waxaa u yimid ninka la yiraahdo Thaclabah bin Sacd‫ثعلبة بن سعد‬,
markaasuu arligooda ku reebay, uuna u naxariistay, uuna u guuriyay, walaalna ka yeeshay.
Markaasuu Cawf\‫ عوف‬wuxuu ku abtirsaday qabiilka Ghadhafaan\‫غطفان‬, dhashiisiina ay
madaxda iyo hoggaamiyayaalka Ghadhafaan\‫ غطفان‬noqdeen.
Kacb bin Lu'ayy\‫ كعب بن لؤي‬waxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo nasabka Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab
\‫أمير المؤنين أبوحفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee.
Lu'ayy\‫لؤي‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideedaad waa Lu'ayy bin
Ghaalib\‫ لؤي بن غالب‬. Waxaa la yiri erayga Lu'ayy\‫ لؤي‬macnihiisu waxaa weeye dibi
duureedka. Waxaa kaloo la yiri eraygu wuxuu ka yimid Al La'yu \‫ الألي‬oo macneheedu yahay
aayar, ha degdegin. Waxaa kaloo la yiri waa saca. Lu'ayy\‫ لؤي‬koofaartiisu waa Abuu
Kacb\‫أبوكعب‬.
Lu'ayy\‫ لؤي‬ilmihiisa
Lu'ayy\‫ لؤي‬wuxuu dhalay toddoba nin oo kala ah: 1. Kacb bin Lu'ayy\‫كعب بن لؤي‬. (2) Caamir
bin Lu'ayy\‫عامر بن لؤي‬. (3) Saamatu bin Lu'ayy\‫سامة بن لؤي‬. (4) Cawf bin Lu'ayy\‫عوف بن لؤي‬. (5)
Sacd bin Lu'ayy\‫سعد بن لؤي‬. (6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\‫خزيمة بن لؤي‬. (7) Al Xaarithu bin
Lu'ayy\‫الحارث بن لؤي‬. Raggaas waxaan kasoo warbixinnay markaan kasoo hadalnay Kacb bin
Lu'ayy‫كعب بن لؤي‬.
Lu'ayy‫ لؤي‬walaalihiis
Lu'ayy bin Ghaalibb\‫ لؤي بن غالب‬waxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Taym bin
Ghaalib\‫تيم بن غالب‬. Taym\‫ تيم‬iyo Lu'ayy\‫ لؤي‬waa isku hooyo, waxaana dhashay Salmaa bintu
Camr Al Khuzaaciyyi\‫سلمى بنت عمرو الخزاعية‬. Taym bin Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬waxaa ka farcamay
qabiil la yiraahdo Banuu Al Adram\‫بنو األدرم‬. Eraygaan adram\‫ أدرم‬wuxuu ka yimid Al
Darmaanu\‫ الدرمان‬oo macnihiisu yahay tillaabooyin isku dhowdhow. Sidoo kale Al Darmu\‫الدرم‬
waxaa la yiraahdaa cagta buuxda oo aan rays ma gadhaado lahayn. (2) Qays bin Ghaalib ‫قيس بن‬
\‫غالب‬, oo ay hooyadiisna tahay hooyada labadiisa walaal ee kore dhashay.
Lu'ayy\‫ لؤي‬iyo Badr\‫بدر‬
Makkah\‫ مكة‬ayaa waxaa ka baxay Safarka Makkah\‫مكة‬, ayadoo uu hoggaaminayo ninka la
yiraahdo Badr bin Yakhlud bin Al Xaarith bin Yakhlud bin Al Nadr (waa daad dhibic kor ku
leh)\‫بدر بن يخلد بن الحارث بن يخلد بن النضر‬, ayna ragga la socda ay ka mid yihiin Lu'ayy bin Ghaalib
235
\‫ لؤي بن غالب‬iyo Taym bin Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬iyo Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬. Safarku
wuxuu qaaday xeebta Badda Cas. Xeebtaas maalintu aad ayay u kulushahay, marka kulaylkaas
daraadiis ayuu Safarku habeenkii socon jiray, maalintiina uu degi jiray oo ay qorraxda iyo
kulaylka ka harsan jireen.
Kulaylkaas badan daraadiis ayaa waxaa badatay biyihii la cabbayey, ha ahaato xagga ragga
ama geelaba. Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬usoo dhowaaday
ayay bihiyii ku sigteen inay dhammaadaan.
Markaasuu hoggaamiyihii Safarku, Badr\‫بدر‬, wuxuu u arkay inay lagama maarmaan tahay inuu
ceel qodo ay ka cabbaan, dabadiisna ay Safarradu ka waraabaan intay ku jiraan Makkah \‫ مكة‬iyo
Madiinah\‫ المدينة‬dhexdooda.
Bartaas waxay u jirtaa Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬dhowr maalmood oo socod
ah. Markaasey raggi ceel qodeen. Markay biyihii gaareen oo ay soo burqadeen, ayay farxeen,
ayna yiraahdeen: "Biyihii (ceelkii ) Badr\‫"ماء بدر‬. Ceelkaas ayuu Safarkii ka cabbay, waana
barta kaddib magacaas u kici doono oo la yiraahdo Badr\‫بدر‬, ahna meeshuu ka dhacay dagaalkii
Badr\‫بدر‬.
Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬tegey, ayay ganacsigooda ay u
yimaadeen u keceen, oo waxay siteenna iibiyeen, waxay u baahnaayeenna gateen, sida badar
iyo hub. Markay Makkah\‫ مكة‬kusoo laabteen ayay waxay yimaadeen ayadoo ay reer
Makkah\‫ مكة‬heegan ku jiraan oo ay hub qaateen oo ay dagaal isku diyaariyeen, waana:
Xasaan, Boqorka Yaman oo Kacbada kusoo duulay
Qodobkaanna waxaan uga hadli doonnaa inshaa’a Allaahu\‫هللا‬
warbixinaynno Nakhlah\‫ نخلة‬oo ah bartuu dagaalku ka dhacay.
‫إن شاء‬
markaan ka
Ghaalib\‫غالب‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaalaad waa Ghaalib bin
Fihr\‫ غالب بن فهر‬, oo ay koofaartiisu Abuu Taym\‫ أبوتيم‬tahay. Ghaalib\‫ غالب‬hooyadiisa
dhashay waxaa weeye Laylaa bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Ghaalib\‫ غالب‬ilmihiisa
Ghaalib bin Fihr‫ غالب بن فهر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (Kow) Lu'ayy bin Ghaalib
\‫لؤي بن غالب‬, oo aan kasoo warbixinnay. (Labo) Taym bin Ghaalib\‫تيمم بن عالب‬, oo uu ka
farcamay qabiilka la yiraahdo Banuu Al Adrami \‫بنو األدرم‬. Al Adramu\‫ األدرم‬waxaa la yiraahdaa
qofkaan rays ma gaadho lahayn. Waxaa kaloo la yiraahdaa qofka garkiisu yar yahay oo uu
naaqus yahay, sidaasoo uu Taym bin Ghaalib\‫ تيم بن غالب‬ahaa. Banuu Al Adrami\‫ بنو األدرم‬waa
Qurayshta\‫ قريش‬miyiga Makkah‫ مكة‬degtah, aanse Makkah\‫ مكة‬degin, lana yiraahdo Qurayshu
Al Thawaahiri (waa tha dhibic kor ku leh oo caynka ka horreysa)\‫قريش الظواهر‬. Qurayshtaas
236
\‫ قريش‬miyiga degtah waxay ka kooban tahay: (Kow) Banuu Al Adram \‫بنو األدرم‬, (Laba) Banuu
Muxaarib\‫بنو محارب‬, (Saddex) Banuu Caamir bin Lu'ayy\‫بنو عامر بن لؤي‬. intaan helay.
Qurayshta\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬degtansa waxaa la yiraahdaa Qurayshu Al Bidhaax\‫قريش البطحاء‬,
kana kooban: (Kow) Banuu Haashim\‫بنو هاشم‬, (Laba) Banuu Taym\‫بنوتيم‬, (Saddex) Banuu
Cabdu Shams\‫بنو عبد شمس‬, (Afar) Banuu Nawfal\‫بنونوفل‬, (Shan) Banuu Cabda Al Ddaar ‫بنوعبد‬
\‫الدار‬, (Lix) Banuu Asad\‫بنوأسد‬, (Toddoba) Banuu Makhzuum\‫بنومخزوم‬, (Sideed) Banuu
Cadiyyi\‫بنوعدي‬, (Sagaal) Banuu Sahm‫بنوسهم‬, (Toban) Banuu Jumax\‫بنوجمح‬. (Kow iyo toban)
Banuu Zuhrah\‫( بنوزهرة‬Saddex) Qays bin Ghaalib\‫قيس بن غالب‬. Saddexdaas nin waa isku hooyo,
waxaana dhashay Salmaa bintu Kacb bin Camr Al Khuzaaciyyi\‫سلمى بنت كعب بن عمرو الخزاعي‬.
Ghaalib\‫غالب‬walaalihiisa
Ghaalib‫ غالب‬aabihiis Fihr bin Maalik‫ فهر بن مالك‬wuxuu dhalay: (1) Ghaalib bin Fihr ‫غالب بن‬
\‫فهر‬. (2) Al Xaarithu bin Fihr\‫الحارث بن فهر‬. (3) Asad bin Fihr. (4) Jandalatu bintu Fihr ‫جندلة بن‬
\‫فهر‬. Ilmo Fihr‫ فهر‬dhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa bintu Sacd
bin Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Fihr‫فهر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowahiisa tobanaad waa Fihr bin
Maalik‫فهر بن مالك‬.
Fihr‫ فهر‬waa koofaar, oo magaca ay hooyadiis u bixisay waa Quraysh\‫قريش‬. Fihr hooyadiis
waa Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi\‫جندلة بنت الحارث بن مضاض الجرهمي‬,
kanoo aan ahayn Mudaad Al Akbar\‫مضاض األكبر‬, oo horreeyey.
Dhasha Fihr‫ فهر‬ayaa Quraysh‫ قريش‬la yiraahdaa, oo ciddaan isaga ku abtirsan Quraysh \‫قريش‬
ma aha.
Erayga Quraysh‫ قريش‬macnihiisu waxaa weeye: "Baare", oo Fihr‫ فهر‬iyo wiilashiisuba waxay
baari jireen danaha iyo xaajooyinka uu dadku leeyahay iyo waxay u baahan yihiin, markaasey
helidda danahaas u qumi jireen, oo uu isaguna maalkiisa ka bixin jiray.
Muusinka xajkana wuxuu xujeyda siin jiray saad iyo waxay u baahan yihiin. Fihr ‫ فهر‬wuxuu
ahaa nin deeqsi kariim ah.
Erayga Quraysh\‫ قريش‬waxaa kaloo la yiraahdaa isku imaadka iyo kulanka, oo way is
jeclaayeen, kulankooduna badnaa. Quraysh\‫ قريش‬waxaa kaloo la yiraahdaa ganacsiga. Waxaa
kaloo erayga Quraysh\‫ قريش‬ka yimid kalluunka la yiraahdo Al Qurshu\‫القرش‬, oo ah kalluun
badda ku jira oo kalluunka kale cuna, kaasoo aabaha qabiilka Quraysh \‫ قريش‬dhalay lagu
sammiyay.
237
Fihr‫ فهر‬waxaa la yiraahdaa dhagaxa sulubka ah oo sacab muggiis ah. Fihr ‫ فهر‬madi ayuu ahaa,
oo walaalo lama dhalan.
Fihr‫ فهر‬ilmihiisa
Fihr bin Maalik\‫ فهر بن مالك‬wuxuu dhalay afar nin iyo gabar, kala ah: (1) Ghaalib bin Fihr ‫غالب‬
\‫بن فهر‬. (2) Al Xaarithu bin Fihr\‫الحارث بن فهر‬. (3) Asad bin Fihr\‫أسد بن فهر‬. (4) Jandalatu bintu
Fihr\‫جندلة بنت فهر‬. Ilmo Fihr‫ فهر‬dhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa
bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\‫ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة‬.
Maalik‫مالك‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo tobnaad waa
Maalik bin Al Nadr\‫( مالك بن النضر‬waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah). Maalik‫مالك‬
hooyadiis waa Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan ‫عاتكة بنت عدوان بن عمرو‬
\‫بن قيس بن عيالن‬.
Maalik‫ مالك‬wuxuu ahaa madaxa iyo hoggaamiyaha Makkah\‫مكة‬, isaagana mararka qaarkood
Safarradooda ganacsiga hoggaamin jiray. Markay taasi dhacdana waxaa la heli jiray ribix iyo
faaiido badan, isagoo uu Maalik‫ مالك‬ganacsiga ku xeel dheeraa. Sidaas ayuu hodan ku noqday,
oo uu maal badan u yeeshay, ilaa heer uu geeliisii dooxooyinka iyo daaqsiinta Makkah \‫ مكة‬oo
idil daboolay.
Maalik‫ مالك‬iyo Saabuur Thaa Al Aktaaf\‫سابور ذا األكتاف‬
Zamanka Maalik‫ مالك‬waxaa dalka Iraan\‫ إيران‬boqor u ahaa ninka la yiraahdo Saabuur Thaa Al
Aktaaf\‫ سابور ذا األكتاف‬. Thaa Al Aktaaf\‫ سابور ذا األكتاف‬macneheedu waxaa weeyey midka
garbaha u saaxiibka ah, oo Al Katafu\‫ األكتاف‬waa garabka, waxaana koofaartaas loogu bixiyay
isagoo Carab oo idil cathaabi jiray, oo garbaha ayuu ka dhilqin jiray, quluubtoodana uu cabsi
iyo argagax ku riday. Cid taqiinnay sababtu uu Carabta u colaadinayana ma ayan jirin.
Markaasuu Maalik bin Al Nadr\‫ مالك بن النضر‬u qasday inuu u tago oo uu arrinka Carabta kala
hadlo. Sidaas ayuu Maalik‫ مالك‬wuxuu u hoggaamiyay Safarkii Makkah\‫مكة‬. Safarku wuxuu sii
maray Al Xiirata\‫ الحيرة‬degmada la yiraahdo, oo Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla, uuna Boqor Carbeed u
taliyay, kase tirsanayd Boqortooyada Iiraan.
Halkaas ayuu Safarku badeecadahuu sitay, una badnaa dahab iyo qalin ay buuraha Makkah\‫مكة‬
kasoo qoteen, iyo cathar, suuqa ku iibiyay, ayna halkaas ka gateen qamadi iyo badar. Carabta
degmadaas deggan waxay ahaayeen Nasaaraa haysata math-habka Al Yacquubiyyah\‫ اليعقوبية‬la
yiraahdo, oo aaminsanayd inuu Ciise\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, nin bashar ah ahaa.
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu qasrigiisa ugu tegey Boqorkooda oo magaciisu ahaa Camr bin
Imri'u Al Qays\‫عمرو بن امرأ القيس‬, kaasoo Maalik‫ مالك‬si fiican usoo dhoweeyey, oo dhiniciisa
fariisiyay.
238
Camr\‫ عمرو‬wuxuu Maalik‫ مالك‬kala hadlay diinta masiixiga. Majliskaas waxaa ayaguna
fadhiyay rag kale oo doodaas ka qayb qaatay. Kaddib raggii kale majliska way ka keceen, oo
ay kala tageen, waxaana isku soo haray Maalik‫ مالك‬iyo Camr bin Imri'u Al Qays ‫عمرو بن امرأ‬
\‫القيس‬, Boqorka Al Xiirata\‫الحيرة‬.
Markay isku kaliyeeysteen, ayuu Maalik‫ مالك‬wuxuu Camr\‫ عمرو‬u sheegay ujeedada Safarkiisa
oo ahayd inuu la kulmo Boqorka Iiraan\‫ إيران‬ee Saabuur\‫سابور‬, uuna kala hadlo inuu Carabta
cathaabta ka daayo.
Camr\‫ عمرو‬hadalkaas Maalik‫ مالك‬waa u bogay, wuuna geesinnimo geliyay, lana taliyay.
Kaddib Safarkii Al Xiirata\‫ الحيرة‬waa ka ambabaxay, wuxuuna aaday magaalada la yiraahdo
Dhiisafuun\‫طيسفون‬, oo uu Saabuur\‫ سابور‬ku sugnaa. Magaaladaani waxay ku tiillay jinka Bari
ee wabiga Dijlah\‫نهر دجلة‬, waxaana ku wareegsanaa darbi wayn oo xoog leh, irrid magaalada
looga galana leh.
Safar kasta oo ganacsi, intuusan albaabkaas ka gelin waxaa halkaas looga qaadi jiray canshuur,
kaddibna albaabka ayaa loo furi jiray inay ka galaan. Markuu Safarkii Maalik‫ مالك‬magaladaas
galay, waxay tageen suuqa, halkaasoo ay ganacsigooda guda galeen oo ay ku dhaqaaqeen.
Markuu hawshii ganacsiga ka soo jeestay, Maalik‫ مالك‬wuxuu aaday qasriga Saabuur\‫سابور‬,
wuxuuna u galay Boqorkaas.
Maalik‫ مالك‬markuu Boqorkaas soo hor istaagay wuxuu weydiistay inuu siiyo amni iyo nabad
gelyo iyo inuusan wax u dhimin markuu ku hadlo wuxuu Boqorka ugu yimid. Saabuur\‫سابور‬
markuu hadalkaas hoggaamiyaha Makkah\‫ مكة‬maqlay wuu ku farxay, wuxuuna u sheegay inuu
codsigiisa yeelay oo uu amni iyo nabadgelyo siiyay, wuxuu doonana uu ku hadlo, dhiniciisa
ayuuna fariisiyay.
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu Saabuur ku yiri:
"Boqorow ma ii oggolaaneysaa inaan ku hadlo su'aal laabteyda ku laablaabaneysa oo
culeysiisay?"
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu ku yiri:
"Ku hadal waxaad doontid, aniguna waan ku dhegeysanayaa".
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, maxaad Carabta u dhibtaa?"
Saabuur wuxuu yiri:
"Al Munajjimuuna\‫المنجمون‬, (oo ah kuwa xiddigaha ku faaliya) waxay ii sheegeen inuu Carabta
kasoo bixi doono nin ay gacantiisa Boqortooyada Iiraan\‫ إيران‬ay ku baaba'ayso, diintoodana
duminaya".
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, ma dhici kartaa inay faaliyayaalku been sheegeen?"
Markaasuu Saabuur\‫ سابور‬oo ay cabsi ka muuqato, intuu si fiican u fariistay, wuxuu yiri:
"Odorosidda Saasaan-na\‫"?ساسان‬
Saasaan\‫ ساسان‬waa awoowaha Saabuur\‫ سابور‬oo Boqorka Iiraan\‫ إيران‬ahaan jiray.
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
239
"Oo muxuu odorosay?"
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Saasaan\‫ ساسان‬wuxuu odorosay inay Iiraan\‫ إيران‬markay falal xun sameyso uu Carabta kasoo
bixi doono nin qaadanaya oo la tegaya carshiga boqortooyada Iiraan \‫إيران‬, oo gacantiisa ku
dhigaya, oo ay markaas madaxdii Iiraan\‫ إيران‬raaciye loo taliyo noqonayaan, macbadda
ilaahyadeenana iyo meeshaan asnaamta dhiganno iyo meeshaan dabka muqaddaska ah ku
shidanno (oo waxay ahaayeen Majuus\‫ مجوس‬dabka caabudda) uu ka dhigi doono Guri camiran
oo laga buuxo, ayanna ku oollin masawirro iyo asnaam toona. Carabtu waxay qaadan doontaa
Macbadyada Majuuska, waxayna gacanta ku dhigi doonaan Tuus\‫ توس‬iyo Balkh\‫ بلخ‬iyo inta
kale ee arligeenna wayn. Kuwa xiddigaha ku faaliyana been ma sheegaan."
Maalik wuxuu yiri:
"Hadday run sheegayaan, ha sheegaan qabiilkuu ninkaasi ka dhalan doono."
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Hadday taas ogaan lahaayeen, qabiilkaas oo idil ayaan baabi'in lahaa, Carabta inteeda kalena
dhiiggooda ma daadiyeen."
Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, hadday faaliyayaalku run sheegeen, oo ay taasi ahaan doonto dhacdo ahaaneysa,
daadinta dhiigga Carabtu dhiciddeeda ma hor istaagi karaa?"
Saabuur\‫ سابور‬intuu baraarugay, oo uu hadalka Maalik‫ مالك‬dhuuxay, oo uu cabbaar aamusnaa,
ayuu wuxuu yiri:
"Run ayaad sheegtay, oo wax ahaan doona anigu awood kuma lihi."
Markaasuu Maalik‫ مالك‬wuxuu yiri:
"Boqorow, Carabta u tur oo u naxariiso, si uu idiinku turo oo uu idiinku naxariisto ninkaas
Carab kasoo bixi doona, Ilaahayna uu isaga libta idinka siin doono oo idinka adkaanaya."
Saabuur\‫ سابور‬wuxuu yiri:
"Carab waan ka daayay cathaabid iyo dilba."
Sidaas ayuu Saabuur\‫ سابور‬yeelay, Maalikna‫ مالك‬uu Makkah\‫ مكة‬dib ugu soo laabtay, isagoo
ergeyntiisii kusoo liibaanay oo guuleystay.
Maalik‫ مالك‬ilmihiisa
Maalik‫ مالك‬wuxuu dhalay ninka la yiraahdo Fihr bin Maalik\‫ فهر بن مالك‬oo Quraysh\‫ قريش‬ah,
hooyadiisna ay tahay Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi ‫جندلة بنت الحارث بن‬
\‫مضاض الجرهمي‬.
Maalik‫ مالك‬walaalihiis
Maalik‫ مالك‬aabihiis Al Nadr bin Kinaanata\‫ النضر بن كنانة‬wuxuu dhalay:
(1)
Maalik
bin Al Nadr\‫مالك بن النضر‬. (2) Yakhlud bin Al Nadr\‫يخلد بن النضر‬. (3) Al Saltu (waa saad)
bin Al Nadr\‫الصلت لن النضر‬. Saddexdaas nin hooyadood waa Caatikatu bintu Cadwaan
bin Camr bin Qays bin Caylaan\‫ عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن‬.
240
Al Nadru\‫النضر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowihiisa labo iyo tobnaad waa Al
Nadru (waa daad dhibic kor ku leh) bin Kinaanata\‫ النضر بن كنانة‬. Al Nadr\‫ النضر‬hooyadiis
waa Barratu bintu Murr bin Udd bin Dhaabikhata bin Ilyaas bin Mudar (waa daad dhibic kor
ku leh)\‫برة بنت مر بن أد بن طابخة بن إلياس بن مضر‬.
Al Nadr\‫ النضر‬waa koofaar, looguna bixiyay quruxdiisa oo Al Nadratu \‫ النضر‬waa quruxda,
magaciisuna waa Qays\‫قيس‬, isagaana ahaa hoggaamiyaha tolkiisa reer Kinaaniyiinta\‫الكنانيين‬,
kuna abtirsada isaga aabihiis Kinaanatu\‫كنانة‬.
Al Anadr\‫ النضر‬waxaa kaloo la yiraahdaa dahabka guduudan.
Al Nadru\‫ النضر‬ilmihiisa
Al Nadr\‫ النضر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Maalik bin Al Nadr\‫مالك بن النضر‬, oo
aan kasoo warbixinnay. (2) Yakhluda bin Al Nadr\‫يخلد بن النضر‬, iyo (3) Al Saltu (waa saad) bin
Al Nadr\‫الصلت بن النضر‬. Saddexdaas nin waa isku hooyo, waxaana dhashay Caatikatu bintu
Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan\‫ عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن‬.
Al Nadru‫ النضر‬walaalihiisa
Al Nadr‫ النضر‬aabihiis Kinaanatu bin Khuzaymata\‫ كنانة بن خزيمة‬wuxuu dhalay caruurta soo
socota:
)1(Al Nadr bin Kinaanata\‫النضر بن كنانة‬. (2) Maalik bin Kinaanata\‫مالك بن كنانة‬. (3) Cabda
Manaat bin Kinaanata\‫عبد مناة بن كنانة‬. (4) Milkaan bin Kinaanata\‫ملكان بن كنانة‬.
Al Nadr‫ النضر‬iyo Maalik\‫ مالك‬iyo Milkaan‫ ملكان‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin
Murr\‫برة بنت مر‬. Cabda Manaat\‫ عبد مناة‬hooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al
Ghadhriif\‫هالة بنت سويد بن الغطريف‬, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\‫أزد شنوءة‬, Shanuu'ah
‫ شنوءة‬magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa
saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) ‫عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن‬
\‫مالك بن نصر بن األسد بن الغوث‬, waxaana Shanuu'ah‫ شنوءة‬loogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu
shana'aan\‫ شنآن‬dhex maray, kaasoo nacayb ah. (5) Caamir bin Kinaanata\‫عامر بن كنانة‬. (6) Al
Xaarithu bin Kinaanata\‫الحارث بن كنانة‬. (7) Al Nadiir (waa daad dhibic kor ku leh) bin
Kinaanata\‫النضير بن كنانة‬. (8) Ghanm bin Kinaanata\‫غنم بن كنانة‬. (9) Sacd bin Kinaanata ‫سعد بن‬
\‫كنانة‬. (10) Cawf bin Kinaanata\‫عوف بن كنانة‬. (11) Jarwala bin Kinaanata\‫جرول بن كنانة‬. (12) Al
Xudaala bin Kinaanata\‫الحدال بن كنانة‬. (13) Ghazwaan bin Kinaanata\‫غزوان بن كنانة‬.
Kinaanatu‫كنانة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo tobnaad waa
Kinaanatu bin Khuzaymata\‫كنانة بن خزيمة‬, hooyadiisna waa Cawaanatu bintu Sacd bin Qays
bin Caylaan bin Mudar\‫عوانة بنت سعد بن قيس بن عيالن بن مضر‬.
Kinaanah‫ كنانة‬iyo walaalihiis Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬iyo Asadatu bin Khuzaymata
\‫ أسدة بن خزيمة‬iyo Al Hawnu bin Khuzaymata\‫ الهون بن خزيمة‬waxay ahaayeen madaxda iyo
241
hoggaamiyayaalka Qabiilka Mudar\‫( مضر‬waa daad dhibic kor ku leh), kuwaanoo uu
maalkooduna batay, xoolohoodiina dooxada Makkah\‫ مكة‬ay buuxiyeen oo wada dabooleen.
Markuu aabihiis Khuzaymatu‫ خزيمة‬dhintay, Kinaanah‫ كنانة‬wuxuu noqday hoggaamiyaha
Safarrada Mudar\‫مضر‬, oo ganacsi u tegi jiray Ciraaq\‫عراق‬, Dimishiq\‫دمشق‬, Iiraan\‫إيران‬, Masar
\‫مصر‬.
Kinaanah‫ كنانة‬walaalkiis Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬ayaa wuxuu ku tashaday inuu
Maamulka Guriga gacanta ku dhigo, isagoo arkay inay qabiilka Iyaad \‫ إياد‬oo xilkaas hayey ay
thulmi ku kaceen Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda, itaalkoodiina uu sidaas ku wiiqmay.
Sidaas ayuu u ishafalateynayey xaaladda Makkah\‫ مكة‬iyo waxa dhacaba. Markaasaa maalin
maalmaha ka mid ah waxaa ugaarsi isu raacay labo nin oo uu midkoodna Iyaad \‫ إياد‬u dhashay,
kan kalena Mudar\‫مضر‬, oo ay odayada ay ku abtirsadaan, oo kala ah Iyaad\‫ إياد‬iyo Mudar\‫مضر‬
ayba laba nin oo walaalo ah ahaayeen, uuna wada dhalay Nizaar bin Macadd \‫نزار بن معد‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad.
Markay labadaas nini miyiga Makkah\‫ مكة‬ugaarsi u tageen ayay waxay arkoodeen bakayle.
Markaas ayay fallaaro ku ganeen. Markaas ayaa fallaar uu ganay ninka reer Iyaad\‫ إياد‬waxay
wadnaha uga dhacday kii reer Mudar\‫ مضر‬oo ay dishay.
Markaasey reer Mudar\‫ مضر‬keceen oo ay dhiigga ninkooda laga dilay doonteen. Markaasey
reer Iyaad\‫ إياد‬waxay yiraahdeen:
"Gaf ayuu u dilay".
Hadalkaas reer Mudar\‫ مضر‬ma ayan garawsan, waxayna ku hammiyeen oo ay dooneen inay
ninkii ninkooda dilay dilaan. Markaasey reer Iyaad\‫ إياد‬ninkoodii daafaceen, oo ay labadii
qabiil dagaal isaga horyimaadeen. Dagaalkaas waxaa libta ku helay reer Mudar \‫مضر‬, oo ilmo
adeerradooda reer Iyaad\‫ إياد‬jebiyay.
Markay adkaadeen ayay Mudar\‫ مضر‬waxay reer Iyaad\‫ إياد‬ku amreen inay Xaramka Makkah ‫حرم‬
\‫ مكة‬ka baxaan oo ay ka guuraan.
Reer Iyaad\‫ إياد‬waxay yiraahdeen:
"Saddex maalmood na siiya, dhulkiinana idinka xoogi meynno", taasoo loo oggolaaday.
Saddex maalmood kaddib, reer Iyaad\‫ إياد‬oo haweenkooda iyo caruurtooda iyo xoolohoodaba
wata Makkah\‫ مكة‬way ka bexeen, waxayna tageen oo la degeen kuwii ayaga ka horreeyey oo
dhasha Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ahaa oo Shaam\‫ الشام‬iyo Ciraaq\‫ عراق‬degay.
Markaasuu Asad bin Khuzaymata\‫ أسد بن خزيمة‬Maamulka Guriga la wareegay oo uu gacanta ku
dhigay. Walaalkiis Kinaanatu bin Khuzaymata-na\‫ كنانة بن خزيمة‬wuxuu noqday
hoggaamiyaha iyo midka haya maamulka Safarrada Mudar\‫مضر‬, oo arliga Barigiisa iyo
gobolladiisaba ganacsi ugu safrah.
242
Kinaanah\‫ كنانة‬wuxuu Carab dhexdeeda ku caan noqday wanaagga iyo dulqaadka iyo turidda
uu dadka u galo iyo xikmadiisa. Markaasey ragga Carabta ahi si ay ula kulmaan usoo safri
jireen, si ay ugala tashadaan umuurta diintooda, xukunkiisana ay u bogi jireen oo yeeli jireen.
Wuxuu kaloo yeeli jiray inuu u asturi jiray oo uu u naxariis iyo wanaag huwin jiray dadka, sida
uu gabooyuhu, oo ah weelka dhuuban oo fallaaraha inta lagu rido la aaburo oo garabka la
surto, u asturo fallaaraha ku jira.
Markaasuu ku caan baxay Kinaanah‫كنانة‬, oo macneheedu yahay gabooye fallaaraha lagu rito
oo astura. Magacaas ayaana u kacay oo uu caan ku noqday, ayna dhici karto inuu aabihiis
magac kale u bixiyay oo uu aabihiis Mudrikatu\‫ مدركة‬ku sammiyay.
Kinaanatu‫ كنانة‬ilmihiisa
Kinaanatu wuxuu dhalay caruurta soo socota:
)1(Al Nadr bin Kinaanata\‫النضر بن كنانة‬. (2) Maalik bin Kinaanata\‫مالك بن كنانة‬. (3) Cabda
Manaat bin Kinaanata\‫عبد مناة بن كنانة‬. (4) Milkaan bin Kinaanata\‫ملكان بن كنانة‬.
Al Nadr‫ النضر‬iyo Maalik\‫ مالك‬iyo Milkaan‫ ملكان‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin
Murr\‫برة بنت مر‬. Cabda Manaat\‫ عبد مناة‬hooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al
Ghadhriif\‫هالة بنت سويد بن الغطريف‬, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\‫أزد شنوءة‬, Shanuu'ah
‫ شنوءة‬magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa
saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) ‫عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن‬
\‫مالك بن نصر بن األسد بن الغوث‬, waxaana Shanuu'ah‫ شنوءة‬loogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu
shana'aan\‫ شنآن‬dhex maray, kaasoo nacayb ah. (5) Caamir bin Kinaanata \‫عامر بن كنانة‬. (6) Al
Xaarithu bin Kinaanata\‫الحارث بن كنانة‬. (7) Al Nadiir (waa daad dhibic kor ku leh) bin
Kinaanata\‫النضير بن كنانة‬. (8) Ghanm bin Kinaanata\‫غنم بن كنانة‬. (9) Sacd bin Kinaanata ‫سعد بن‬
\‫كنانة‬. (10) Cawf bin Kinaanata\‫عوف بن كنانة‬. (11) Jarwala bin Kinaanata\‫جرول بن كنانة‬. (12) Al
Xudaala bin Kinaanata\‫الحدال بن كنانة‬. (13) Ghazwaan bin Kinaanata\‫غزوان بن كنانة‬.
Kinaanah ubadkiisu arliga Carabta ayay ku faafeen, ayna markay bateen kala degeen.
Kinaanah‫ كنانة‬walaalihiisa
Kinaanah‫ كنانة‬aabihiis Khuzaymatu\‫ خزيمة‬wuxuu dhalay: (1) Kinaanatu bin Khuzaymata ‫كنانة‬
\‫بن خزيمة‬. (2) Asad bin Khuzaymata\‫أسد بن خزيمة‬. (3) Asadatu bin Khuzaymata\‫أسدة بن خزيمة‬.
(4) Al Hawnu bin Khuzaymata\‫الهون بن خزيمة‬.
Khuzaymatu\‫خزيمة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo tobanaad waa
Khuzaymatu bin Mudrikata\\‫ خزيمة بن مدركة‬, hooyadiisna waa Salmaa bintu Asad bin
Rabiicah bin Nizaar\‫سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار‬, koofaartiisuna waa Abaa Asad\‫أبا أسد‬.
Magaciisu wuxuu ka yimid Al Khazmu\‫ الخزم‬oo ah daloolinta (dhegta ama wax la mid ah).
Waxaa kaloo la yiri wuxuu ka yimid Al Khazmu\‫ الخزم‬oo ah adkeynta iyo suubinta shayga.
Abuu Xaniifana\‫ أبوحنيفة‬wuxuu yiri: "Al Khazamu\‫ الخزم‬waa geed sida geedka Al Dawmu\‫الدوم‬
243
oo kale ah, oo qoloftiisa xargaha laga sameeyo, intiisa hoosana laga sameeyo godadka
shinnida, mirihiisana uusan dadku cunin, uuse cuniddiisa tukuhu jecelyahay."
Khuzaymah\‫ خزيمة‬wuxuu ahaa hoggaamiyaha qabiilka Mudar\‫مضر‬, wuxuuna ahaa nin uu
tolkiis jecelyahay, caqli ballaaranna leh, wuxuuna ahaa nin ka mid ah addoommada Ilaahay ka
dhawrsada, suubanaanna lagu yaqiin.
Markaas waxaa Maamulka Baytka hayey ninka la yiraahdo Wakiic bin Salamah bin Zuhayr bin
Iyaad\‫وكيع بن سلمة بن زهير بن إياد‬. Markaasuu Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu ka baqay inuu Khuzamah
\‫ خزيمة‬xilkaas kula tartamo, wuxuuna u arkay inay sida ugu khayr badan oo uu isaga celin
karo tartankaas ay tahay inuu tolkiis dhexdiisa salaax iyo suubanaan loo aqoonsado oo ay u
shaacdo. Markaasuu Makkah\‫ مكة‬dhankeeda hoose wuxuu ka dhistay daar dheer oo uu
jaranjarana u yeelay. Markaasuu intuu jaranjarada tafo ayuu wuxuu oran jiray inuu Ilaahay la
faqayo. Dadka dhex galkiisana wuuba yareeyey, cibaadeysiga ayuuna u batay.
Markaasey dadkii waxay yiraahdeen:
"Waa nin run low ah."
Isaguna wuxuu oran jiray:
"Kuwa arliga ku sugani waxay addoommo u yihiin Midka Samada ku sugan. Jurham \‫ جرهم‬waa
la halaagay, Iyaadna\‫ إياد‬way zuushay (tagtay). Sidaasoo kalena waxaa ah suubanaanta iyo
fasaadka."
Wuxuu Wakiic\‫ وكيع‬sidaas ku odorosayey inuu tolkiis Iyaad\‫ إياد‬Maamulka Guriga ka guuri
doono siduu Jurham\‫ جرهم‬uga guuray oo kale,
Iyaadna\‫ إياد‬Maamulka Gurigu uga guuri doono hadday suubanaantu tagto fasaadna yimaado.
Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu kaloo oran jiray:
"Rabbi khayrka la falo waa ka abaalmariyaa, sharta la falana waa ku ciqaabaa."
Markaasuu intuu tolkiis Iyaad\‫ إياد‬kulmiyay wuxuu ku yiri:
"Dardaarankeyga maqla. Hadalkuba waa laba eray, amarkuna waa caddayn kaddib: qofka
hanuunsan raaca, kan leexdana diiday, ri walbana labadeeda addin ayay kasoo laadlaaddaa."
Kaddibna Wakiic\‫ وكيع‬waa dhintay. Khuzaymatu bin Mudrikatana\‫ خزيمة بن مدركة‬waa
dhintay, hoggaaminta tolkiisna waxay u wareegtay curadkiisa Kinaanatu bin Khuzaymata ‫كنانة‬
\‫بن خزيمة‬.
Khuzaymatu\‫ خزيمة‬ilmihiisa
Kinaanah‫ كنانة‬aabihiis Khuzaymatu\‫ خزيمة‬wuxuu dhalay: (1) Kinaanatu bin Khuzaymata ‫كنانة‬
\‫بن خزيمة‬. (2) Asad bin Khuzaymata\‫أسد بن خزيمة‬. (3) Asadatu bin Khuzaymata\‫أسدة بن خزيمة‬.
(4) Al Hawnu bin Khuzaymata‫الهون بن خزيمة‬
244
Khuzaymatu‫ خزيمة‬walaalihiisa
Khuzaymatu bin Mudrikata‫ خزيمة بن مدركة‬waxaa la dhashay nin la yiraahdo Huthayl (waa
tha dhibic kor ku leh oo deel ku xigah) bin Mudrikata\‫ هذيل بن مدركة‬, hooyadoodna waa
haweeney qabiilka Qudaaca\‫ قضاعة‬u dhalatay oo la yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah
bin Nizaar\‫ سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار‬.
Mudrikatu\‫مدركة‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo tobnaad waa
Mudrikatu bin Ilyaas\‫ مدركة بن إلياس‬, hooyadiisna waa Khindif bintu Cimraan bin Al Xaaf bin
Qudaacah\‫خندف بنت عمران بن الحاف بن قضاعة‬, haweeney reer Yaman\‫ يمن‬ah, koofaartiisuna waa
Abuu Huthayl\‫ أبوهذيل‬ama Abuu Khuzaymah\‫أبوخزيمة‬.
Mudrikah\‫ مدركة‬waa koofaar, magaciisuna waa Caamir\‫عامر‬. Sida Mudrikah\‫ مدركة‬loogu
bixiyay waxay ahayd sidatan: isaga iyo walaalkiis Dhaabikhata\‫ طابخة‬oo geel la jira ayay ugaar
soo qabsadeen, markaasey karsadeen. Intay hilbaha karsamayeen oo ay dul fadhiyeen ayaa col
geelooda soo weerary oo la tegey.
Markaasuu walaalkiis oo magaciisu ahaa Camr\‫ عمرو‬wuxuu Caamir\‫ عامر‬ku yiri:
"ma geela ayaad gaareysaa oo aad ka daba tegeysaa, mase ugaartaan ayaad noo karineysaa?"
Markaasuu Caamir‫ عامر‬wuxuu yiri:
"Geela ayaan ka daba tegayaa oo aan gaarayaa".
Markaasuu inta ka daba tegey oo uu gaaray geelii soo dhiciyay.
Markaasaa markay aabohood uga warrameen siday wax u dheceen, wuxuu u bixiyay
Mudrikatu‫ مدركة‬oo macneheedu yahay kii inta ka daba tegey gaaray, walaalkiis Camr-na\‫عمرو‬
oo ugaarta kariskeeda ku haray wuxuu u bixiyay Dhaabikhatu\‫ طابخة‬oo ah midkii kariyay.
Mudrika‫ مدركة‬geerida aabihiis kaddib, isagaa hoggaamiyaha tolkiis reer Mudar\‫ مضر‬noqday.
Reer Mudar\‫ مضر‬waxay jeclaayeen inay Maamulka Guriga ilmo adeerradood Iyaad \‫ إياد‬kala
wareegaan, markaasey Mudrikah‫ مدركة‬ku boorriyeen inuu gacantooda ka bixiyo oo uu ayaga
u wareejiyo.
Laakiin Mudrikah‫ مدركة‬wuxuu ahaa nin suuban oo saalix ah, necebna xadgudubka iyo
coolaadda, markaasuusan hadalka tolkiis dheg u raaricin, ayadoo uu Maamulku ku jiro gacanta
ilma adeerradood reer Iyaad\‫إياد‬, oo ah dad fiican, Xaramkana xaqqiisa u oofiya.
Mudrikah‫ مدركة‬wuxuu necbaa inuu diinta u adeegsado oo uu ka dhigto hub uu tolkiis
masaalix adduun ugu soo jiido. Markaasuu kacdoonka tolkiis damiyay, xaaladdoodoo sidaas ah
ayuuna Mudrikah‫ مدركة‬dhintay.
245
Mudrikatu‫ مدركة‬ilmihiisa
Mudrikah bin Ilyaas\‫ مدركة بن إلياس‬wuxuu dhalay labada nin kala ah: (1) Khuzaymatu bin
Mudrikata\‫خزيمة بن مدركة‬. (2) Huthayl bin Mudrikata\‫هذيل بن مدركة‬, labadoodana waxaa
dhashay haweeney Qudaacah\‫ قضاعة‬u dhalatay, oo la yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah
bin Nizaar\‫ سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار‬.
Mudrikatu‫ مدركة‬walaalihiisa
Mudrikah‫ مدركة‬aabihiis Ilyaas wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Mudrikatu bin
Ilyaas\‫مدركة بن إلياس‬. (2) Dhaabikhata bin Ilyaas\‫طابخة بن إلياس‬. (3) Qamacatu bin Ilyaas ‫قمعة بن‬
\‫إلياس‬. Saddexdoodaba waxaa dhashay haweeney reer Yaman\‫ يمن‬ah oo la yiraahdo
Khindif\‫خندف‬, magaceeduna ahaa Laylaa\‫ليلى‬, ayada hooyadeedna Dariyyatu (waa daad dhibic
kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Rabiicah bin Nizaar\‫ضرية بنت ربيعة بن نزار‬.
Khindif\‫ خندف‬waxaa loogu bixiyay ayadoo socod boobi jirtay, oo Al Khandafatu \‫ الخندفة‬waa
boobidda socodka. Ayadoo socod dheereeneysa ayay caruurteeda aabohood Ilyaas \‫ إلياس‬u
timid, markaasuu ku yiri:
"Maxaad la socod boobeysaa?"
Markaasaa Khindif\‫ خندف‬loo bixiyay.
Khindif\‫ خندف‬markuu ninkeeda Ilyaas‫ إلياس‬dhintay, way tiiraanyootay, oo ay boyday oo ay
barooratay, oo ay markaas arliga cageheeda ku martay, ayadoo u ooyeysa, ilaa ay tiiraanyo iyo
calool xumo uga dhimatay.
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu dhintay maalin khamiis ah. Markaasey Khindif\‫ خندف‬markay maalinta
khamiistu soo gasho booyi jirtay maalintaas bilowgeeda ilaa dhammaadkeeda.
Tiiraanyadeedaas waxay noqotay wax lagu hadal qabsado marka tiiraanyo wayn la
tilmaamayo.
Markuu Ilyaas‫ إلياس‬dhintay, Khindif\‫ خندف‬way iska tagtay oo ay arliga cagteeda ku martay,
wiilasheediina ay ka tagtay. Markaasaa markuu dadku arko caruurtaas, ayay u naxariistaan oo
waxay yiraahdaan:
"Waa wiilashii Khindif\‫ خندف‬ay ka tagtay ayagoo yaryar oo agoon ah."
Markaasaa wiilashii waxaa loo bixiyay Banii Khindif\‫بني حندف‬, oo ah dasha Khindif\‫خندف‬.
Ilyaas‫إلياس‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo tobnaad waa Ilyaas
bin Mudar\‫( إلياس بن مضر‬waa daad dhibic kor ku leh), hooyadiisna waa Al Ribaabu bintu
Xaydata bin Macadd bin Cadnaan\‫الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
246
Waxaa la yiri inuu magacaasi ka yimid Al Alsu\‫ األلس‬oo ah dhakridda. Waxaa kaloo la yiri bal
wuxuu ka yimid Alyasu\‫ اليس‬oo ah geesiga aan cararin. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ka yimid Al
Ya'su\‫ اليأس‬oo ah quusashada iyo rajo beelka, isagoo dashay kaddib markuu aabihiis gaboobay
oo uu caruur ka quustay, kana rajo dhigay.
Waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإنه كان مؤمنا‬،‫"ال تسبوا إلياس‬
"Laa tasubbuu Ilyaasa, fa innahu kaana Mu'minan",
oo macnihiisu yahay:
"Ha caayina Ilyaas‫ إلياس‬, oo isagu wuxuu ahaa mu'min".
Waxaa wariyay ibnu Sacad\‫إبن سعد‬, kuna wariyay Al Dhabaqaatu\‫ الطبقات‬1/1/30.
Ilyaas bin Mudar\‫ إلياس بن مضر‬wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo Kacbada geel Hadyi\‫هدي‬
ah u hibeeyey, geelaas kuruskiisana dhinac ka dillaaciyay, oo uu sidaas dhiiggu uga dureerayo,
si uu calaamad ugu noqdo in Kacbada loo hibeeyey.
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu ahaa nin adduunkaan ka kaaftoomay, doonayna waxa Ilaahay agtiisa yaalla.
Ilyaas bin Mudar\‫ إلياس بن مضر‬wuxuu ahaa nin mu'min ah oo toosan, wuxuuna lahaa
xikmooyin ballaaran, wuxuuna tolkiisa dhexdiisa ku ahaa siduu Luqmaan Al Xakiim\‫لقمان الحكيم‬
dadkiisa dhexdiisa ku ahaa oo kale.
Ilyaas‫ إلياس‬xikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa:
"Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa, qofka sharr abuurtana shallayti ayuu goostaa."
Ilyaas‫ إلياس‬wuxuu reer Makkah\‫ مكة‬kala dagaallami jiray inay dariiqa toosan ka leexdaan.
Markuu Ilyaas‫ إلياس‬dhintayna, haweentiisa Khindif\‫ خندف‬dabadiis ayay calool xumo iyo
tiiraanyo u dhimatay.
Ilyaas‫ إلياس‬ilmihiisa
Ilyaas bin Mudar‫ إلياس بن مضر‬wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Mudrikatu bin Ilyaas
\‫ مدركة بن إلياس‬oo magaciisu Caamir\‫ عامر‬yahay. (2) Dhaabikhatu bin Ilyaas\‫طابخة بن إلياس‬, oo
magaciisu Camr\‫ عمرو‬yahay. (3) Qamcata bin Ilyaas\‫قمعة بن إلياس‬. Saddexdaas nin hooyadood
waxay ahayd Khindif bintu Cimraan bin Ilxaaf bin Qudaacah\‫ خندف بنت عمران بن الحاف بن قضاعة‬.
Ilyaas‫ إلياس‬walaalihiisa
Ilyaas‫ إلياس‬aabihiis Mudar bin Nizaar\‫ مضر بن نزار‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1)
Ilyaas bin Mudar‫ إلياس بن مضر‬. (2) Caylaan bin Mudar\‫عيالن بن مضر‬. Caylaan\‫ عيالن‬waxaa la
yiri wuxuu ahaa faras uu Mudar\‫ مضر‬lahaa oo loogu magac daray. Waxaa kaloo la yiri wuxuu
ahaa ey uu lahaa. Waxaa la yiri in Caylaan Al Naasu\‫ عيالن الناس‬oo ah dadka la oran jiray,
247
walaalkiisna Ilyaas‫ إلياس‬. Labadaas nin hooyadooda dhashay waa Al Ribaabu bintu Xaydata
bin Macadd bin Cadnaan\‫ الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
Mudar‫مضر‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo tobnaad waa
Mudar (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Nizaar\‫مضر بن نزار‬, hooyadiisna
waa Sawdata bintu Cakk bin Cadnaan\‫سودة بنت عك بن عدنان‬.
Mudar‫ مضر‬waa naaneys, magaciisuna waa Camr\‫عمرو‬. Mudar‫ مضر‬macnihiisu waxaa weeye
saafi, cad, oo caddaantiisa loogu bixiyay. Eraygu wuxuu ka yimid Mudaar\‫مضار‬, oo ah caanaha
garoorka ama karuurka ah.
Mudar‫ مضر‬waxaa kaloo la yiraahdaa Mudaru Al Xamraa'u\‫ مضر الحمراء‬oo Carabtu qofka
cad waxay tiraahdaa axmar\‫أحمر‬, oo guduudane ah. Waxaa kaloo la yiri in Mudaru Al Axmaru
\‫ مضر األحمر‬loogu bixiyay ayadoo uu aabihiis Nizaar\‫ نزار‬uga dardaarmay oo la siiyay
khaymad guduudan oo uu lahaa saanna ka sameysneyd, walaalkiis Rabiicahna \‫ ربيعة‬uu faras
uga dardaarmay, markaasaa loo kala bixiyay Mudar Al Xamraa'u‫ مضر الحمراء‬iyo Rabiicatu Al
Faras\‫ربيعة الفرس‬.
Mudar‫ مضر‬isagoo hashiisa saaran ayuu ka dhacay, markaasu gacan wax ka noqday.
Markaasuu hashii markay sii socotay ayuu daba socday isagoo xanuunka gacanta ka haya ka
cataabaya, wuxuuna ahaa nin aad u cod qurxoon, wuxuuna catawgiisu ahaa isagoo leh Waa
yadayyaah waa yadayyaah!‫وايداه!وايداه‬, oo ah gacanteydey gacanteydey, uuna hadalkaas kusoo
celcelinayo, sida hees oo kalena ugu luqeynayo.
Markaasuu geelii istaagay, oo uu xaggiisa usoo jeestay. Taas ayaa waxay ahayd asalka iyo
markii ugu horreysey oo geela loo heeso, oo marka loo heesana uu socod dheereeyo, oo geelu
heesta waa jecelyahay, waana ku firfircoonaadaa.
Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
".‫ فإنهما كانا مؤمنين‬،‫"ال تسبوا مضر وال ربيعة‬
"Laa tasubbuu Mudara wa laa Rabiicata, fa innahumaa kaanaa mu'minayni",
oo macneheedu yahay:
"Ha caayina Mudar‫ مضر‬iyo Rabiicata\‫ربيعة‬, oo waxay ahaayeen laba mu'min."
Mudar‫مضر‬, sidaan Kitaabkeyga Qusayy ugu soo warbixinnay, wuxuu ka qayb galay xarbiga
Jurham\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬looga saaray markay xurmadii Xaramka ku xadgudbeen.
248
Mudar‫ مضر‬wuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arka oo aan jecleysan.
Xikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa:
"Khayr kan ugu khayr badan waa kan degdeg loo sameeyo. Sidaas daraadeed, naftiinna ku
xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkeeda fasaadinaya. Suubanaanta iyo
fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa (waqti ahaan la mid ah)
laba jeer oo xoolaha la maalo."
Mudar\‫ مضر‬ilmihiisa
Mudar bin Nazaar\‫ مضر بن نزار‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1) Ilyaas bin Mudar ‫إلياس‬
\‫بن مضر‬. (2) Caylaan bin Mudar\‫عيالن‬, hooyadoodna waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin
Macadd bin Cadnaan‫ الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان‬.
Mudar‫ مضر‬walaalihiisa
Mudar‫ مضر‬aabihiis Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah: (1)
Mudar bin Nizaar\‫مضر بن نزار‬. (2) Rabiicatu bin Nizaar\‫ربيعة بن نزار‬. (3) Anmaar bin Nizaar
\‫أنمار بن نزار‬. (4) Iyaad bin Nizaar\‫إياد بن نزار‬.
Mudar‫ مضر‬iyo Iyaad\‫ إياد‬hooyadood waa Sawdatu bintu Cakk bin Cadnaan. Rabiicatu iyo
Anmaar hooyadoodna waa Shuqayqatu bintu Cakk bin Cadnaan\‫ سودة بنت عك بن عدنان‬, waxaana
kaloo la yiri waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan\‫جمعة بنت عك بن عدنان‬.
Anmaar bin Nizaar\‫ أنمار بن نزار‬waxaa ka farcamay qabaa'iilka la kala yiraahdo Khathcam\‫خثعم‬
(waa tha saddex dhibcood kor ku leh) iyo Bajiilata\‫بجيلة‬.
Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu ka yimid nimiriga badda, haweenta caruurtaas u dhashayna waxaa la
yiraahdaa Bajiilatu bintu Sacb (waa saad) bin Sacd Al Cashiirata‫بجيلة بنت صعب بن سعد العشيرة‬.
Haweeney kalena waxay u dhashay wiil la yiraahdo Iftalu bin Anmaar\‫إفتل بن أنمار‬, kanoo ah
Kathcam\‫خثعم‬.
Haweeney la yiraahdo Cabqara‫ عبقرة‬waxay u dhashay shan iyo toban nin oo ay ka farcameen
qabaa'ilka kala ah, oo raggaas ku abtirsada: Wadaacah\‫وداعة‬, Khuzaymah\‫خزيمة‬,
Suhaybah\‫( صهيبة‬waa saad), Al Xaarithu\‫الحارث‬, Maalik\‫مالك‬, Shaybatu\‫شيبة‬, Dhariifatu\‫طريفة‬,
Fahmun\‫فهم‬, Al Ghawthu\‫( الغوث‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh), Sahal\‫سهل‬, Cabqar\‫عبقر‬,
Ash-hal\‫أشهل‬, oo dhammaantood ilmo Anmaar\‫ أنمار‬ah.
Waxaa la yiri Bajiilah\‫ بجيلة‬waxay ahayd haweeney Xabashiyad ah oo ilmaha Anmaar \‫ أنمار‬oo
aan soo magacawnay xannaaneyn jirtay, taasoo aan soo xannaaneyn wiilkiisa Aftalu\‫ أفتل‬oo aan
sidaas ayada loo nisbeyn, midkaanoo uu qabiilka Khatcam\‫ خثعم‬ka farcamay.
Al Tarmithii\‫ الترمذي‬wuxuu Farwatu bin Musayk\‫ فروة بن مسيك‬ka wariyay in markuu Ilaahay
Saba'\‫ سبأ‬wixii uu kusoo dejiyay uu Quraan kasoo dejiyay (oo ahaa burburka biyo xireenkii
Carim\‫ عرم‬iyo dalkoodiiba), ayuu nin wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Saba'\‫ سبأ‬waa maxay: ma
haweeneybaa mase arli?"
249
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فأما الذين‬.‫ وتشأم أربعة‬،‫ فتيمن منهم ستة‬،‫ ولكنه رجل ولد عشرة من العرب‬،‫"ليس بامرأة وال أرض‬
,‫ وكندة‬/‫ ومذحج‬،‫ وحمير‬،‫ واألشعرون‬،‫ وأما الذين تيمنوا فاألزد‬.‫ وغسان‬،‫ وعميلة‬،‫ وجذام‬،‫ فلخم‬:‫تشأموا‬
".‫وأنمار‬
"Laysa bi imra'atin wa laa ardin, wa laakinnahu rajulun walada cashratan mina Al
Carabi, fa tayammana minhum sitatun, wa tashaa'ama arbacatun. Fa ammaa allathiina
tashaa'amuu: fa lakhmun, wa Juthaam, wa Caamilatu, wa Ghassaan. Wa ammaa
allathiina tayaamanuu fa Al Azdu, wa Al Ashcaruuna, wa Ximyar, wa Mathxij, wa
Kindatu, wa Anmaar".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"(Saba'\‫ )سبأ‬Haweeney iyo arli midna ma aha, waase nin dhalay toban nin oo Carab ah,
kuwaasoo ay lix ka mid ihi Yaman\‫ يمن‬aadeen oo ay degeen, afarna ay Shaam \‫ الشام‬aadeen oo
ay degeen. Kuwa Shaam\‫ الشام‬aaday oo degey waxay yihiin: Lakhm\‫ لخم‬iyo Juthaam\‫( جذام‬waa
thaal dhibic kor ku leh oo deel ku xigah)(Waana qabiilka uu Nabi Ciise \‫عيسى‬,
Calayhissalaamu ka guursan doono markuu Samada kasoo dego) iyo Caamilatu\‫ عميلة‬iyo
Ghassaan\‫غسان‬. Kuwa Yaman\‫ يمن‬aaday oo degeyna waa Al Azdu\‫ األزد‬iyo Al
Ashcaruuna‫ األشعرون‬iyo Ximyar\‫ حمير‬iyo Mathxij\‫ مذحج‬iyo Kindatu\‫ كندة‬iyo Anmaar\‫"أنمار‬.
Markaasuu ninkii wuxuu yiri:
"Anmaarna\‫ أنمار‬muxuu yahay?"
Wuxxu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"الذين منهم خثعم وبجيلة‬
"Allathiina minhum Khathcam wa Bajiilah",
oo ah:
"Waa kuwa ay ka tirsan yihiin Khathcam\‫ خثعم‬iyo Bajiilah\‫بجيلة‬."
Raggaas oo idil qabaa'il magacdooda sita ayaa ka wada farcamay. Waana Xadiithka saddex
kun iyo laba boqol iyo labaatan ee Al Tarmithii\‫الترمذي‬.
Nizaar\‫نزار‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad waa
Nizaar bin Macadd\‫نزار بن معد‬, koofaartiisuna waa Abuu Iyaad\‫أبوإياد‬, waxaana kaloo la yiri
waa Abuu Rabiicah\‫أبوربيعة‬.
Nizaar\‫ نزار‬hooyadiis waa Mucaanatu bintu Jawshaan Al Jurhamii\‫معانة بنت جوشان الجرهمي‬.
Magaca Nizaar\‫ نزار‬wuxuu ka yimid Al Nazri\‫ النزر‬oo ah: wax yar ama naadir ah, sababta
loogu bixiyayna ay ahayd sidatan. Nizaar\‫ نزار‬aabihiis Macadd bin Cadnaan\‫معد بن عدنان‬
markuu wiilku u dhashay ayuu dhugtay oo uu wajiga wiilka iyo labadiisa indhooda dhexdooda
nuur ku arkay, kaasoo ah nuurka Nabinnimada, oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
250
Wasallam, aabayaalkiis isaga gudbi jiray, oo uu aabe walba wiilkiisa u gudbin jiray ilaa uu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu soo wareegay.
Nizaar aabihiis markuu nuurkaas arkay aad ayuu u farxay, markaasuu xoolo qalay oo uu
dadkana cunno siiyay, kaddibna uu yiri:
"Waxaan oo dhan waa wax yar (nazrun\‫ )نزر‬marka loo fiiriyo xaqqa wiilkaan dhashay."
Sidaas ayaa Nizaar\‫ نزار‬loogu bixiyay.
Macadd‫ معد‬wuxuu wiilkiisa Nizaar‫ نزار‬baray Fiqiga Islaamka iyo Diinta, wuxuuna u
diyaariyay inuu qabto Maamulka Kacbada.
Dardaaranka Nizaar‫ نزار‬ee wiilashiisa
Markay geeridu u timid, Nizzar bin Macadd‫ نزار بن معد‬wuxuu isugu yeeray wiilashiisa Mudar
\‫ مضر‬iyo Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Iyaad\‫ إياد‬iyo Anmaar\‫أنمار‬, wuxuuna ku yiri:
"Maamulka Kacbada waxaa iska leh Iyaad\‫إياد‬, Jurhamna\‫ جرهم‬Makkah\‫ مكة‬ka saara ayadoo uu
dulligoodu batay. Khaymaddaan guduudanna oo saanta ka sameysan iyo inta la midka ah ee
maalka waxaa iska leh Mudar\‫مضر‬. Tobankaan kun oo Dirham (haathihi al badrati\‫)هذا البدرة‬
iyo majliskaan-na waxaa iska leh Anmaar\‫أنمار‬. Faraskaan madow iyo khaymadda madawna
iyo inta la midka ahba ee maalka waxaa iska leh Rabiicah \‫ربيعة‬. Khaadimaddaan (haweeney u
adeegi jirtay) midabkeedu boorka u egyahay iyo inta la midka ah ee maalkeygana waxaa iska
leh Iyaad\‫إياد‬. Hadduu idiin caddaan waayo oo uu shaki idinka galo sidaad maalka u qaybsan
lahaydeenna waxaad u tagtaan faaliyaha Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬oo Najraan\‫ نجران‬deggan.
Markuu Nizaar‫ نزار‬dhintay ayay wiilashiisii dhaxalka sida loo qaybsan lahaa ku heshiin
waayeen. Markaasey waxay aadeen faaliyaha aabohood u tilmaamay oo Yaman \‫ يمن‬degganaa,
ahaana xaakinka iyo qaalliga Carabta.
Intay dariiqa ku sii jireen ayuu Mudar‫ مضر‬wuxuu arkay rati raadkiisa halkaas daaqay,
markaasuu wuxuu yiri:
"Halkaan waxaa daaqay rati cawar ah, oo il kaliya leh".
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Waa Rati dhutiya".
Markaasuu Iyaad\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Waa rati sayn go'an."
Markaasuu Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu yiri:
"Waa rati baadi ah."
Markay cabbaar socdeen, ayaa waxaa ka hor yimid nin oo weydiiyay:
"Miyaad aragteen rati iga soo baadiyoobay?"
Markaasuu Mudar‫ مضر‬wuxuu yiri:
"Ma cawar baa?"
Ninkii wuxuu yiri:
"Haa".
251
Rabiicahna\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Ma rati dhutinayaa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Iyaadna\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Ma rati sayn go'an baa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Anmaarna\‫ أنمار‬wuxuu yiri:
"Ma rati baadi ah baa?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Markaasuu ninkii intuu farxay ayuu wuxuu yiri:
"Tilmaamahaasi waa tilmaamaha ratigeyga ee mee?"
Markaasey kulligood waxay yiraahdeen:
"Ma aanan arag".
Ninkii ragga wuu ka shakiyay, wuxuuna yiri:
"Sideebeydnaan u arag adinkoo tilmaamihiisa iigu tilmaamay?"
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan ku niri ma aanan arag".
Markaasey xagga faaliyihii Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬sii aadeen, isagoo ninkiina uu raadkooda ku
joogo. Markay Najraan\‫ نجران‬galeen oo ay guriga Al Jurhamii\‫ الجرهمي‬galeen, ayuu ninkiina
guriga ka daba galay, oo uu qaalligaas uga dacwooday raggaas ratigiisa u tilmaamay, kaddibna
indhohoodu waxay arkeen oo ay tilmaameen beeniyay, wuxuuna yiri:
"Raggaan waxay qaateen ratigeyga, oo intay tilmaamihiisa iigu tilmaameen ayay hadana
yiraahdeen ma aanan arag."
Markaasuu qaaligu xagga Mudar‫ مضر‬u jeestay oo uu indhihiisa indhaha u saaray oo uu yiri:
"Sidee baad u ogaatay inuu cawar yahay?"
Mudar‫ مضر‬wuxuu yiri:
"Wuxuu daaqay dhinac, dhinaca kalena wuu ka tegey, markaasaan ogaaday inuu cawar yahay."
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬u jeestay oo uu ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu dhutinayo?"
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Waxaan arkay in raadka labada jeeni uu midna dhulka ku sugan yahay, kan kalena uusan
raadkiisu si fiican u muuqan, markaasaan ogaaday inay sababta uu la muuqan waayey ay tahay
xoogga uu dhulka ugu dhuftay."
Markaasuu wuxuu Iyaad\‫ إياد‬ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu ratigu sayn go'an yahay?"
Iyaad\‫ إياد‬wuxuu yiri:
"Waxaan ka ogaaday siday saaladiisu isu haysato, oo hadduu sayn lahaan lahaa wuu
dhaqdhaqaajin lahaa oo uu saalada kala firdhin lahaa."
Markaasuu Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu ku yiri:
"Sidee baad ku ogaatay inuu baadi yahay?"
252
Wuxuu yiri:
"Wuxuu daaqay meesha baadka iyo dhirta yar, umana uusan gudbin meesha ka daaq badan."
Markaasuu qaalligii wuxuu ujeestay ninkii ratiga lahaa, wuxuuna ku yiri:
"Raggaani ma ayan qaadan ratigaaga, ee raadso", ninkiina waa iska tegey isagoo la yaaban
inayan ratigiisa arkin, ayna isla markaas siduu ahaa u tilmaameen.
Ilmo Nizaar\‫ نزار‬iyo Al Jurhamii\‫الجرهمي‬
Markaas kaddib ayuu faaliyihii intuu ragga u jeestay ayuu wuxuu yiri:
"Yaad tihiin?"
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan nahay wiilasha Nizaar bin Macadd bin Cadnaan\‫نزار بن معد بن عدنان‬."
Markaasuu faaliyihii soo dhoweeyey oo uu yiri:
"Soo dhowaada oo ehelkiin ayaad u timaaddeen, maxaana noo kiin keenay oo aad
dooneysaan?"
Waxay yiraahdeen:
"Aabeheen ayaa markuu dhimanayey wuxuu na yiri:
"hadduu shaki idinka galo sidaad maalkeyga u qaybsan lahaydeen, oo aad isku khilaaftaan, u
taga faaliyaha Al Jurhamii\‫الجرهمي‬."
Marka waan isku khilaafnay dhaxalkii, markaasaan kuugu nimid inaad noo kala xukuntid."
Markaasuu isagoo yaaban wuxuu yiri:
"Ma anigaabad ii baahan tihiin, anigoo waxaan idinka arkayba idinka arkay?"
Markaasuu faaliyihii kacay oo uu ri u qalay, cunnana u sameeyey, khamro ay cabbaanna u
keenay. Kaddibna wuxuu fariistay meel aan ayaga ka fogayn oo uu hadalkooda ka maqli karo,
ayaguse ayan isaga u jeedin. Markaasey cunnadiina cuneen, khamradiina cabbeen.
Markaasuu Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Hilibka maanta mid ka fiican hore uma arag, haddayan ahaan lahayn in rida caano ey lagu
koriyay".
Kaddibna Mudar\‫ مضر‬ayaa wuxuu yiri:
"Khamradaan oo kale hore uma arag, hadayan ahaan lahayn in geedka canabka oo laga soo
miiray uusan qabri ka kor bixi lahayn."
Markaasuu faaliyihii isla hadlay oo uu yiri:
"Kuwaani waxaan shayaadhiin ahayn ma aha."
Markaasuu wuxuu u tegey haweeneydii khamrada sameysay, wuxuuna ku yiri:
"Khabarka khamradaan ii sheeg".
Waxay tiri:
"Geedkeedu wuxuu ka baxay qabriga aabahaa dushiisa".
253
Kaddib faaliyihii wuxuu u tegey ari jirkii uu rida kasoo gatay, markuu arrinka ridaas
weydiiyayna wuxuu ku yiri:
"Waxay ahayd waxar aan caano ey ku koriyay, ayadoo ayan waxaro kale ariga ku jirin (oo ay
hooyadeeda la nuugto), ayada hooyadeedna ay dhimatay."
Faaliyihii wuxuu usoo noqday ilmo Nizaar\‫ نزار‬, wuxuuna Rabiicah\‫ ربيعة‬ku yiri:
"Sideebaad hilibka ku ogaatay?"
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu yiri:
"Hilibka eygu baruurtiisa waa ka korreeyaa, taasoo ka duwan hilibka ri'da oo ay baruurteedu
hilibkeeda ka korreyso."
Faaliyihii wuxuu Mudar\‫ مضر‬ku yiri:
"Sideebaad khamrada ku ogaatay?"
Mudarna\‫ نزار‬wuxuu yiri:
"Geedka canabku hadduu qabri dushiisa ka baxo khamradiisu waa ka khafiifsan tahay kuwa
kale, oo siday khamrada kale qofka u saameyso tani uma saameyso."
Markaasuu faaliyihii, intuu si fiican u fariistay, ayuu wuxuu ku yiri:
"Dantaad iigu timaaaddeen ii sheega."
Markaasey dardaaranka aabohood Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬uga warrameen. Markuu
maqlay arrinkooda ayuu faaliyihii wuxuu yiri:
"Maalka intiisa khaymadda guduudan la midka ah waxaa leh Mudar \‫مضر‬. Ninka khaymadda
madow la siiyay wuxuu leeyahay inta madow oo maalka ka mid ah. Lacagta iyo dhulkana
waxaa iska leh Anmaar\‫أنمار‬."
Markaasey ilmo Nizaar\‫ نزار‬ka gaddoomeen oo ay Makkah\‫ مكة‬usoo noqdeen, maalkiina ay u
qaybsadeen sidatan: Mudar‫ مضر‬wuxuu qaatay lacagtii Diinaarka ahayd oo dahabka guduudan
ka samaysnayd iyo geela, markaasaa qabiilka Mudar‫ مضر‬ka farcamay waxaa loo bixiyay
Mudar Al Xamraa'\‫مضر الحمراء‬, oo ah Mudar‫ مضر‬tii guduudnayd.
Rabiicah\‫ ربيعة‬wuxuu qaatay faraskii iyo inta la midka ahayd, markaasaa qabiilka ka farcamay
loo bixiyay Rabiicah Al Faras\‫ربيعة الفرس‬.
Anmaar\‫ أنمار‬wuxuu qaatay arigii, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Anmaar
Al Shaata\‫أنمار الشاة‬, oo ah Anmaar\‫ أنمار‬riyoole.
Iyaad\‫ إياد‬wuxuu qaatay ariga midabkiisu cad yahay baro madowna leh iyo fardaha
midabkoodu caddaanka iyo madawga isku jira yahay, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa
loo bixiyay Iyaad Al Barqaa'a\‫ إياد البرقاء‬oo ah Iyaad\‫ إياد‬caddaan iyo madow isku jira.
254
Nizaar\‫ نزار‬ilmihiisa
Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah: (1) Mudar bin Nizaar ‫مضر بن‬
\‫نزار‬. (2) Rabiicatu bin Nizaar\‫ربيعة بن نزار‬. (3) Anmaar bin Nizaar\‫أنمار بن نزار‬. (4) Iyaad bin
Nizaar\‫إياد بن نزار‬.
Mudar‫ مضر‬iyo Iyaad\‫ إياد‬waa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Sawdatu bintu
Cakk bin Cadnaan\‫سودة بنت عك بن عدنان‬.
Rabiicah\‫ ربيعة‬iyo Anmaarna\‫ أنمار‬waa isku hooyo, waxaana dhashay Shuqayqatu bintu Cakk
bin Cadnaan\‫شقيقة بنت عك بن عدنان‬, lana yiri oo kale waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan ‫جمعة‬
\‫بن عك بن عدنان‬.
Nizaar\‫ نزار‬walaalihiisa
Nizaar\‫ نزار‬aabihiis Macadd bin Cadnaan\‫ معد بن عدنان‬wuxuu dhalay: (1) Nizaar bin Macadd
\‫نزار بن معد‬. (2) Jushamu bin Macadd\‫جشم بن معد‬. (3) Silhimu bin Macadd\‫سلهم بن معد‬. (4)
Junaadatu bin Macadd\‫جنادة بن معد‬. (5) Qunaasatu (waa saad) bin Macadd\‫قناصة بن معد‬. (6)
Qanasu (waa saad) bin Macadd\‫قنص بن معد‬. (7) Sanaamu bin Macadd\‫سنام بم معد‬. (8) Cawf bin
Macadd\‫ عوف بن معد‬oo cirib go'ay. (9) Xaydaanu bin Macadd\‫ حيدان بن معد‬oo qabiilka Qudaacah
\‫ قضاعة‬ka mid ah. (10) Awdu bin Macadd\‫أود بن معد‬. (11) Qudaacatu (waa daad dhibic kor ku
leh oo saad ku xigah) bin Macadd\‫قضاعة بن معد‬, oo Yaman\‫ يمن‬degay. (12) Qunusa (waa saad)
bin Macadd\‫قنص بن معد‬, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al Nucmaanu bin Al
Munthir\‫النعمان بن مامنذر‬, Boqorkii Al Xiirata\‫الحيرة‬. (13) Iyaada bin Macadd\‫إياد بن معد‬.
Macadd‫معد‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo tobnaad waa
Macadd bin Cadnaan\‫معد بن عدنان‬, koofaartiisuna waa Abuu Qudaacah\‫ أبوقضاعة‬ama Abuu
Nizaar\‫أبونزار‬, hooyadiisna waa Mahdadu bintu Al Lahmi bin Xajab bin Jadiis ‫مهدد بنت اللهم بن‬
\‫حجب بن جديس‬.
Macadd‫ معد‬saddex macno ayaa lagu sheegay, oo kala ah: (1) Al caddi\‫ العد‬oo ah tirinta; (2)
Macada fii al ardi\‫ معد في األرض‬oo ah dhulka ayuu fasaadiyay iyo (3) Al Macaddayni\‫ المعدين‬oo
ah barta ay cagaha ninka faraska fuushani ay faraska ka taabanayaan, kana yimid Al
Macdu\‫ المعد‬oo ah xoogga, oo halkaas ayayba al maciddatu\‫ المعدة‬ka timid oo caloosha ah.
Macadd‫ معد‬wuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uuna kula dagaallamayo ubadka
Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, lamana arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadan.
Macadd‫ معد‬wuxuu Al Multazam\‫ الملتزم‬oo albaabka Kacbada iyo Xajarul Aswadka\‫الحجر األسود‬
inta u dhexeysa ah caruurta ku bari jiray sida wax loo dhigo, isagaana dhigidda farta Carabiga
dhammaystiray.
255
Macadd‫ معد‬ilmihiisa
Macadd bin Cadnaan\‫ معد بن عدنان‬wuxuu dhalay: (1) Nizaar bin Macadd\‫ نزار بن معد‬. (2)
Jushamu bin Macadd\‫جشم بن معد‬. (3) Silhimu bin Macadd\‫سلهم بن معد‬. (4) Junaadatu bin
Macadd\‫جنادة بن معد‬. (5) Qunaasatu (waa saad) bin Macadd\‫قناصة بن معد‬. (6) Qanasu (waa saad)
bin Macadd\‫قنص بن معد‬. (7) Sanaamu bin Macadd\‫سنام بم معد‬. (8) Cawf bin Macadd\‫عوف بن معد‬
oo cirib go'ay. (9) Xaydaanu bin Macadd\‫ حيدان بن معد‬oo qabiilka Qudaacah\‫ قضاعة‬ka mid ah.
(10) Awdu bin Macadd\‫أود بن معد‬. (11) Qudaacatu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku
xigah) bin Macadd\‫قضاعة بن معد‬, oo Yaman\‫ يمن‬degay. (12) Qunusa (waa saad) bin Macadd ‫قنص‬
\‫بن معد‬, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al Nucmaanu bin Al Munthir\‫النعمان بن مامنذر‬,
Boqorkii Al Xiirata\‫الحيرة‬. (13) Iyaada bin Macadd‫إياد بن معد‬
Macadd\‫ معد‬walaalihiisa
Macadd\‫ معد‬aabihiis Cadnaan\‫ عدنان‬wuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1) Macadd bin
Cadnaan‫معد بن عدنان‬, oo aan kasoo warbixinnay, Makkahna\‫ مكة‬degay, iyo (2) Cakk bin
Cadnaan\‫ عك بن عدنان‬oo Yaman\‫ يمن‬degay, kana guursaday qabiilka Ashcariyyiinta\‫األشعريين‬.
Cadnaan‫عدنان‬
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labaatanaad waa Cadnaan
‫عدنان‬. Erayga Cadnaan‫ عدنان‬wuxuu ka yimid Cadana\‫ عدن‬oo ah waa degay oo ku nagaaday
oo ku waaray. Sidaas daraadeed ayaa magaalada Cadan\‫ عدن‬oo Yaman\‫ يمن‬ku taalla Cadan\‫عدن‬
loogu bixiyay ayadoo ay halkaas ilmihii Nabi Adan\‫آدم‬, Calayhissalaamu, degeen.
Cadnaan‫ عدنان‬koofaartiisu waa Abuu Macadd\‫أبومعد‬, hooyadiisna waa Balhaa'u bintu Yacrib
bin Qaxdhaan\‫بلهاء بنت يعرب بن قحطان‬. Qaxdhaan\‫ قحطان‬magaciisuna waa Mihzam\‫مهزم‬.
Cadnaan‫ عدنان‬waa awoowaha ay Carabi kasii farcantay. Cadnaan‫ عدنان‬dagaalkuu
Bukhtanassar\‫ بختنصر‬la galay ayaan Siiradaan uga warbixinnay. Tawfiiqdana Allaha na
waafajiyo.
Cadnaan‫ عدنان‬ilmihiisa
Cadnaan‫ عدنان‬wuxuu dhalay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Macadd bin Cadnaan ‫معد بن‬
‫ عدنان‬iyo (2) Cakk bin Cadnaan\‫عك بن عدنان‬.
Cadnaan‫ عدنان‬walaalihiisa
Cadnaan‫ عدنان‬waxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Nabtu\‫ نبت‬iyo (2) Camr\‫عمرو‬.
256
Udd\‫ أد‬ilaa Nabi Aadan\‫ آدم‬Calayhissalaamu
(21) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo labaatnaad
waa Udd\‫أد‬, lana yiri waa Udada\‫أدد‬, oo Cadnaan\‫ عدنان‬waa ina Udd\‫أد‬, hooyadiisna waa Al
Nacjaa'u bintu Camr bin Tubbac\‫النعجة بنت عمرو بن تبع‬. (22) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowihiisa labo iyo labaatanaad waa Muqawwim\‫مقوم‬, oo Udd\‫ أد‬waa ina
Muqawwim\‫مقوم‬. (23) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa
saddex iyo labaatanaad waa Naaxuur\‫ناحور‬, oo Muqawwin\‫ مقوم‬waa ina Naxuur\‫ناحور‬. (24)
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo labaatanaad waa
Tayrax\‫تيرح‬, oo Naaxuur\‫ ناحور‬waa ina Tayrax\‫تيرح‬. (25) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo labaatanaad waa Yacrub\‫يعرب‬, oo Tayrax\‫ تيرح‬waa
ina Yacrub\‫يعرب‬. (26) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo
labaatanaad waa Yashjub\‫يشجب‬, oo Yacrub\‫ يعرب‬waa ina Yashjub\‫يشجب‬. (27) Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo labaatanaad waa Naabit\‫نابت‬, oo
Yashjub\‫ يشجب‬waa ina Naabit\‫نابت‬. (28) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowihiisa sideed iyo labaatanaad waa Nabi Ismaaciil\‫إسماعيل‬, Calayhissalaamu, oo Naabit
\‫ نابت‬oo waa ina Ismaaciil‫إسماعيل‬, hooyadiisna waa Haajar\‫هاجر‬, Allaha raalli ka noqdee.
Nabi Ismaaciil‫ إسماعيل‬wuxuu noolaa saddex kun iyo saddex boqol iyo sideetan sano Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalashadiisa ka hor. (29) Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, awoowihiisa sagaal iyo labaatanaad waa Nabi Ibraahiim
\‫إبراهيم‬, Calayhissalaamu, oo Ismaaciil‫ إسماعيل‬waa ina Ibraahiim‫ إبراهيم‬.
Nabi Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo Nabi Nuux\‫ نوح‬waxaa u dhexeeyey kun sano, wuxuuna noolaa
saddex kun iyo afar boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬wuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdo Uur\‫ أور‬ee Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla,
wuxuuna ku dhintay oo lagu duugay magaalada arliga Falasdhiin \‫ فلسطين‬ku taalla oo la
yiraahdo Al Khaliil\‫ الخليل‬ama Xabruun\‫حبرون‬.
Ibraahiim‫ إبراهيم‬waxaa kaloo la yiraahdaa Aabaha Anbiyada, oo inta Nabi oo isaga ka
dambeysey isagaa dhalay oo ay ku abtirsadaan, uuna dhammaantodd ugu wayn yahay uguna
sharaf badan yahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan aabahay iyo
hooyadey ku furanayo. (30) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa
soddonaad waa Aazar\‫ آزر‬oo Ibraahiim‫ إبراهيم‬waa ina Aazar\‫آزر‬. (31) Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo soddonaad waa Naaxuur\‫ ناحور‬oo Aazar\‫آزر‬
waa ina Naaxuur\‫ناحور‬, magacaanoo ka yimid al naxru oo ah gawricidda. (32) Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa laba iyo soddonaad waa
Saaruugh\‫ ساروغ‬oo Naaxuur\‫ ناحور‬waa ina Saaruugh\‫ساروغ‬. (33) Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo soddonaad waa Raacuu\‫ راعو‬oo Saaruugh
\‫ ساروغ‬waa ina Raacuu\‫راعو‬. (34) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowihiisa afar iyo soddonaad waa Faalikh\‫فالخ‬, oo Raacuu\‫ راعو‬waa ina Faalikh\‫فالخ‬. (35)
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo soddonaad waa
Caybar\‫عيبر‬, oo Faalikh\‫ فالخ‬waa ina Caybar\‫عيبر‬. (36) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
257
Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo soddonaad waa Shaalakh\‫شالخ‬, oo Caybar\‫ عيبر‬waa ina
Shaalakh\‫شالخ‬. Shaalakh\‫ شالخ‬macnihiisu waa Rasuulka ama Wakiilka. (37) Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo soddonaad waa Arfakhshath
\‫( أرفخشذ‬waa thaal dhibic kor ku leh), oo Shaalakh\‫ شالخ‬waa ina Arfakhshath\‫أرفخشذ‬. (38) Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo soddonaad waa Saam
\‫سام‬, oo Arfakhshath\‫ أرفخشذ‬waa ina Saam\‫سام‬. (39) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo soddonaad waa Nabi Nuux\‫نوح‬, Calayhissalaamu, oo Saam
\‫ سام‬waa ina Nuux‫نوح‬.
Waxaa la yiri inuu Nuux‫ نوح‬magaciisu ahaa Cabdu Al Ghaffaar\‫عبد الغفار‬, Nuux-na‫ نوح‬loogu
bixiyay badnida oohintiisa kaddib markuu dambiga galay oo uu dambigaas ka ooyayo.
Nuux‫ نوح‬iyo Aadan\‫ آدم‬waxaa u dhexeysay kun sano, wuxuuna noolaa afar kun iyo shan boqol
iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Nuux‫ نوح‬wuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdoo Shuurbaak\‫ شورباك‬oo dalka Ciraaq\‫عراق‬
ku taalla. Doontuu dhisayna waxay ka kobnayd saddex dabaq, oo dabaqa ugu hooseeya waxaa
saarnaa xoolaha nafleyda ah, oo noociiba ay laba ka saarnaayeen mid labood ah iyo mid
dhaddig ah. Dabaqa labaad waxaa saarnaa dadkii rumeeyey oo ahaa sideetan nin iyo
caruurtooda, oo uu midkood Jurham ahaa.
Ubadkii dadkaas oo idil ma ayan tarmin oo waa cirib go'een, banii Aadanka adduunka maanta
ku noolna wuxuu ka kooban yahay ubadka saddexdiisii wiil oo kala ahaa Saam \‫ سام‬iyo Xaam
\‫ حام‬iyo Yaafith\‫( يافث‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh).
Dadka uu ka dhashay oo loo dirayna waxaa la oran jiray Banuu Raasib\‫بنوراسب‬, sida annaga
Soomaali naloo yiraahdo oo kale.
Dhuufaantu waxay socotay, oo uu cirkana roob ka soo degayey, dhulkana ay biyo kasoo
burqanayeen toddoba habeen iyo toddoba maalmood. Waxaa sidaas ku halaagmay oo ku
dhintay wixii nafley ahaa oo adduunkaan oo idil iyo qaaradihiisa ku noolaa, intaan ahayn intii
doontaas saarneyd, siduu ayadana noo sheegay sharaxa Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiix Al
Bukhaarii\‫فتح الباري بشرح صحيح البخاري‬, Xadiithka saddex boqol iyo shan iyo soddon sharaxiisa.
Waxay ku qaadatay lix bilood iyo toban maalmood inuu dhulku biyahaas ka leqo, oo uu
qallalo. Meeshay doontu ku degatay waxaa loo bixiyay magaalada Thamaaniina\‫قرية ثمانين‬, oo
ah sideetan, ahna tirada dadkii doonta saarnaa, oo ayaduna dalka Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla.
Ummadda Nabi Nuux\‫ نوح‬ayaa ugu horreysey cid gaalowda, oo intii ka horreysey Muslin ayay
wada ahaayeen.
Dadka Nabi Nuux\‫ نوح‬waxay caabudeen shan sanam, oo siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla ‫هللا‬
\‫عزوجل‬, Suuratu Nuux\‫ سورة نوح‬noogu sheegay kala ahaa Waddan\‫ ودا‬iyo Suwaacan\‫ سواعا‬iyo
Yaghuutha\‫( يغوثا‬waa tha saddex dhibcood kor ku leh) iyo Yacuuqa\‫ يعوقا‬iyo Nasran\‫ نسرا‬.
Makkata Al Mukarramata‫ مكة المكرمة‬dadka deggani waxay ahaayeen weligood Muslin
waxayna gaalnimadu soo gashay markuu ninka la oran jiray Camr bin Luxayyin bin Qamacata
258
bin Ilyaas Al Kuzaaciyyi \‫ عمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس الخزاعي‬oo ahaa madaxa qabiilka
Khuzaacah\‫خزاعة‬, waqtigay Khuzaacah\‫ خزاعة‬, haysay Maamulka Baytka, kaasoo asnaam inta
keenay dadka ku amray inay caabudaan, taasoo ku beegnayd saddex boqol oo sano dhalashada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Asnaamtasna waxaa burburiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
maalintuu Ilaahay Makkah\‫ مكة‬u furay ee sanadka sideedaad ee Hijrada. Sidaas ay gaalnimadu
waxay Makkah\‫ مكة‬ka jirtay saddex boqol oo sano oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam ka horreysey.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenkii la dheelmiyay, wuxuu Camr
bin Luxayyin\‫ عمرو بن لحي‬kusoo arkay Naarta, isagoo foorara oo madixiisuna hooseeyo
lugihiisuna korreeyaan oo sankiisa naarta loogu jiidayo, oo wajigiisa ku socda, siduuna Al
Bukhaarii\‫ البخاري‬ugu wariyay Xadiithkiisa mujalladka afaraad bogga laba boqol afar iyo
labaatan, Muslim-na\‫ مسلم‬kow iyo konton.(40) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiisa afartanaad waa Lamku\‫لمك‬, oo Nuux\‫ نوح‬waa ina Lamku\‫لمك‬, oo ah
ninkii ugu horreeyey cuudka muusikada la tumo tumah. (41) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo afartanaad waa Mattuushalakh\‫متوشلخ‬, oo Lamku\‫لمك‬
waa ina Mattuushalakh\‫متوشلخ‬, magaca macnihiisuna waxaa weeyey Rasuulkii waa dhintay,
isagoo uu aabihiis Akhnuush\‫ أخنوش‬Rasuul ahaa, Ibnu Isxaaqna\‫ إبن إسحاق‬uu yiri waa Nabi
Idriis\‫إدريس‬, culummada badankooduna ay yiraahdeen inuusan Idriis‫ إدريس‬nasabka Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ku jirin, sidaan ugu arki doonno, haddii Alle
idmo, markaan ka warbixineynno Al Israa' wa Al Micraaj \‫اإلسراء والمعراج‬, oo markuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Idriis‫ إدريس‬Samada Afaraad kula kulmay
wuxuu ku yiri:
"Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo walaalka suubanow", oo kuma uusan oran siday
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Aadan\‫ آدم‬ku yiraahdeen oo ahayd:
"Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo wiilkayga suubanow".
Idriis‫ إدريس‬wuxuu kaloo ahaa Nabiga ugu horreeyey oo Aadan‫ آدم‬ka dambeeyey, iyo ninkii
ugu horreeyey oo qalin wax ku dhigah. (42) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiisa labo iyo afartanaad waa Akhnuukh\‫أخنوخ‬, oo Mattuushalakh\‫متوشلخ‬
waa ina Akhnuukh\‫أخنوخ‬. (43) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowihiisa saddex iyo afartanaad waa Yard\‫ يرد‬ama Yaarid\‫يارد‬, oo Akhnuukh\‫ أخنوخ‬waa ina
Yard\‫يرد‬. (44) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo
afartanaad waa Mahlayil\‫مهليل‬, oo Yard\‫ يرد‬waa ina Mahlayil\‫مهليل‬. (45) Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo afartanaad waa Qaynan\‫قينن‬, oo
Mahlayil\‫ مهليل‬waa ina Qaynan\‫قينن‬. (46) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowihiisa lix iyo afartanaad waa Yaanish\‫يانش‬, oo Qaynan\‫ قينن‬waa ina Yaanish\‫يانش‬.
Yaanish\‫ يانش‬macnihiisu waxaa weeye runlowga, isagaana ahaa ninka ugu horreeya oo geed
timireed tallaalah (47) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa
toddoba iyo afartanaad waa Shayth\‫( شيث‬waa tha saddex dhibcood kor ke leh), oo Yaanish \‫يانش‬
waa ina Shayth\‫شيث‬. Shayth\‫ شيث‬macnihiisu waa Alle ku sii, banii Aadanka oo idilna isagay ka
farcameen, ayagoo ilmihii kale oo Aadan\‫ آدم‬ay cirib go'een. (48) Nabi Muxammad, Sallaa
259
Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo afartanaad waa Nabi Aadan‫آدم‬,
Calayhissalaamu, oo Shayth\‫ شيث‬waa ina Aadan\‫ آدم‬.
Aadan\‫ آدم‬wuxuu noolaa shan kun iyo shan boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markuu Jannada kasoo degay, Aadan\‫ آدم‬wuxuu kusoo degay buur la yiraahdo Buuthaa\‫ بوذا‬oo
Hindiya ku taalla, wuxuuna gacanta ku sitay ul uu geed Jannada ku yaalla kasoo goostay,
madaxana waxaa u saarnaa caleemo dhirta Jannada. Taas ayaa u sabab ah, ayaa la yiri, inuu
arliga Hindiya u cagaaran yahay oo ay barwaaqo tahay, ayna uga baxaan dhir badan oo
udgoon, isagoo Nabi Aadan\‫ آدم‬laftiisu uu udgoonaa.
Sidaas ayuu kitaabkii Quraysh ku dhammaaday, wal xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa
Sallaa Allaahu calaa Sayyidina wa Mawlaana wa Shafiicanaa Muxammadin Al Nabiyyi Al
Ymmiyyi Wa Calaa Aalihi Wa Saxbihi wa man tabicahum bi ixsaanin ilaa yawmiddiini.
260
Taxanaha
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Siduu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sharfay
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P. 0. Box 200984
Boston, MA 02120
USA
261
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
1. Tusmada Kitaabka
2. Araarta dhigaha kitaabka
3. Siduu Ilaahay, Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u sharfay
4. Xadiithka Cabdullaahi bin Camr Al Caasii ee Muslim
5. Asalka biyaha
6. Carshiga
7. Al Llawxu Al Maxfuuthu
8. Xadiithka Al Cirbaadu bin Saariyya
9. Xadiithka Maysaratu Al Fajr ee Axmad
10. Xadiithka Abuu Hurayrah ee Al Tarmathii
11. Xadiithka Sahal bin Saalix Al Hamdaanii
12. Macnaynta Xadiithka Al Subkii
13. Xadiithka Calii ee Ibnu Jariir
14. Xadiithka dhobada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
15. Xadiithka Ibnu Cabbaas ee dhoobadiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
16. Xadiithka Ibnu Dughrubak ee koofaarta Aadan
17. Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii
18. Qalinka
19. Al Llawxu Al Maxfuuthu
20. Al Carshu
21. Xamalatu Al Carshi
22. Al Kursiyyu
23. Malaa'igta
24. Toddobada Samo
25. Toddobada Arli
26. Jannada iyo Naarta
27. Nuurka Basiirada iyo Quluubta iyo Unsiga Mu'miniinta
28. Nuurka Quluubta Mu’miniinta
29. Nuurka Unsiga iyo wehesha
30.Xadiithka Calii bin Abii Dhaalib, Calayhissalaamu
31.Xadiithka Ibnu Cabbaas ee Quraysh
32. Xadiithka Al Tarmathii ee Aadan
33. Ruuxa iyo ku sugnaantiisa jirka Aadan
34. Sida Aadan magacda loo baray
35. Malaa'igta sujuudda lagu amray
36. Sujuudda
37. Malaku Al Mawti
38. Qaybta kale ee Xadiithka sujuudda
39. Abuuridda Xaawo
40. Meesha Xaawo lagu abuuray
41. Meherka Xaawo
42. Geedka Aadan iyo Xaawo laga reebay
43. Xaasidnimada Ibliis
44. Balcamu bin Baacuuraa'a
Bogga
261
263
265
265
266
267
268
271
272
272
273
276
279
282
283
285
289
291
291
291
291
291
291
292
292
292
292
292
292
292
295
295
297
298
299
300
302
302
303
305
306
308
310
311
262
45. Intuu Ibliis Ilaahay Caabudayey
46. Ibliis oo albaabka Jannada yimid
47. Ibliis iyo shimbirka jannada
48. Ibliis iyo abeesada
49. Baroorta beenta ah oo ugu horreysey
50. Dhaarta beenta ah oo ugu horreysay
51. Wada hadalka Ilaahay Tacaalaa iyo Aadan iyo soo degiddisa
52 Tawassulka Aadan ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
53. Soo degidda Aadan
54. Aadan iyo Jibriil
55. Dhiigga caadada ee haweenka
56. Boohinta Aadan
57. Ka cunidda geedku ma dambi wayn baa mase mid yar?
58. Xikmada iyo naxarista kasoo degidda Aadan ee Jannada
59. Ilaahay Tacaalaa oo Aadan qalbiga. u qaboojiyay
60. Eryidda Ibliis
61. Deeqaha Aadan la siiyay
62. Sawirnimada Ibliis
63. Suufiyada
64. Ilaahay siduu Adan galladdiisa ugu kaamilay
65. Jannada uu Adan degganaa
66. Jannada lagu waaro
67. Janno adduunkaan ku tiillay
68. Janno kale oo Samada Toddobaad korkeeda ku tiillay
69. Janno ibtilo iyo imtixaan
70. Tawassulka Aadan ee Nabigeenna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
71. Ilmaha Aadan iyo Xaawo
72. Dhimashada Aadan
73. Shiith, ina Aadan
74. Yaanish
75. Xilalka Jibriil, Miikaa’iil, Israafiil iyo Malaku Al Mawti
76. Afarta Waziir ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
77. Taariikh nololeedka dhigaha kitaabka
314
315
315
316
316
316
319
320
320
321
322
324
326
328
329
332
335
336
338
339
340
340
341
342
342
344
349
350
351
352
353
355
357
263
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa
Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini.
‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره‬.‫بإحسان إلى يوم الدين‬
.‫الغافلون‬
Kitaabkaan “Siduu Ilaahay u sharfay Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam” oo toddoba iyo todobaatan qaybood ka kooban, waa kii labaad ee Taxanaha Siirada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiirta
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir Caashuur\‫ طاهر عاشور‬iyo
kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \‫البخاري‬,
Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( إبن هشام‬oo
dhintay laba boqol saddex iyo tobanka sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf \‫الروض األنف‬ee Al
Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan Hijriga), Al Dhabarii\‫( الطبري‬oo
dhintay saddex boqol iyo toban Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar
iyo toddobaatan Hijriga), Al Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan
Hijrig), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al
Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii ‫القاضي اإلمام حسين بن‬
\‫( محمد بن الحسن الدياربكري‬oo dhintay sagaal boqol iyo lixdan Hijriga), Al Imaam Calii bin
Burhaanuddiin Al Xalabii\‫( اإلمام علي بن برهان الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan Hijriga),
Al Qadii Ciyaad\‫( القاضي عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan Hijriga), iyo Cabdul
Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, oo dhowaan dhintay, iyo Muxammad Ridaa
\‫ محمد رضا‬iyo kuwo kaleba.
Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee
Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam \‫سيرة إبن هشام‬, Al Rawdu Al
Unuf\‫ الروض األنف‬iyo Muxammadun Rasuulullaahi\‫محمد رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ee Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫عبد الحميد جودة السحار‬, oo midkaan dambe uu
yahay kitaabka laga sameeyey taxanaha televisionka laga sii daayo oo isla magacaas leh.
Waxaan u arkay inaan taxane ka dhigo, intuu noqon lahaa hal kitaab oo wayn, ayna noqdaan
kutubbo yaryar oo si sahal ah loo akhrisan karo. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan
sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo.
Kitaabkaani aan hadda gacanta ku haynno oo cinwaankiisu yahay Cabdu Al Mudh-dhalib ‫عبد‬
\‫ المطلب‬waa kii labaad ee taxanahaas.
Marjica asaasiga ah oo ugu waynna ee qaybtaanna waa kitaabka Sharxu al callaamah Al
Zarqaanii (oo dhintay sanadka. kun iyo boqol iyo labo, iyo labaatan Hijrada) Calaa Al
Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah ‫شرح العالمة الزرقاني على المواهب‬
\‫ اللدنية بمنح المحمدية‬uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\‫( القسطالني‬oo dhintay sanadka
sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada).
264
Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬
uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo
Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal.
Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa,
waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo
labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba noogu kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona
wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah:
Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay
iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay
Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga", uuna tarjumay
Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee.
Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu
galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi
Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal.
Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka
baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i
dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiilal toona wax tarayn, qofka
Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Arbaco, shan iyo tobaka Bisha Thuu Al Qacdah\‫ ذوالعقدة‬kun afar boqol afar iyo labaatan, una
dhiganta toddobada Janaayo laba kun iyo afar.
265
Siduu Ilaahay, Subxaanabu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, u sharfay Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo horreynta
Nabinnimadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬, wuu sharfay Nabigiisa Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoona abuuray ka hor intuusan wax kaleba abuurin, oo uu
sidaas ugu horreeyey waxa uu Ilaahay abuuray, wuxuuna Nabi ka dhigay isagoo uu Aadan\‫آدم‬
weli dhoobo aan naf la gelin yahay, uu ay sidaas Nabinnimadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, sugnaatay abuuridda Aadan\‫آدم‬
ka hor. Waxaanna hoos ku warineynnaa
Axaadiithta labadaas arrimood u daliilka ah. In badan oo dalaa’ilkaas ka mid ah waxaan ku
xusi doonnaa ibshaa’a Allaahu kutubbada soo socda.
Xadiithka Muslim ee Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii
Wuxuu Imaam Muslim\‫ اإلمام مسلم‬Cabdullaahi bin Camr bin Al Caasii\‫عبد هللا بن عمرو بن العاصي‬
ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri:
‫"إن هللا عزوجل كتب مقادير الخلق قبل أن يخلق السموات واألرض بخمسين ألف سنة وكان عرشه على‬
".‫ ومن جملة ما كتب في الذكر أن محمدا خاتم النبيين‬.‫الماء‬
"Inna Allaaha Cazza wa Jalla kataba maqaadiira al khalqi qabla an yakhluqa al
Ssamaawaata wa al arda bi khamsiina alfa sanatin wa kaana CarshuHu calaa al maa'i.
Wa min jumlati maa kataba fii Al Thikri anna Muxammadan khaatimu Al Nabiyyiina."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"‫ إن هللا عزوجل كتب مقادير الخلق‬Ilaahay Cazza wa jalla wuxuu dhigay maqaadiirta
khalqiga".
Al Baydaawii\‫ البيهقي‬ahna caalinka dhigay Tafsiirka la yiraahdo Tafsiiru Al Baydaawii ‫تقسير‬
\‫البيضاوي‬, wuxuu kitaabkiisa Sharxu Al Masaabiixi\‫ شرح المسابيح‬ku yiri:
"Macneheedu waxaa weeye wuxuu ku socodsiiyay Qalinka Al Lawxu Al Maxfuuthi ‫اللوح‬
\‫المحفوظ‬, uuna ku dhigay maqaadiirta klalaa'iqda oo ah wixii ahaaday iyo waxa ahaanaya iyo
waxa ahaan doona ilaa ebedkeed, ayagoo waxaasi waafaqsanyihiin doonidda iyo rabidda
Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عزوجل‬, oo siduu u doono ayay u ahaadeen, una yihiin una ahaan
doonaan".
Al Ubayyu\‫ األبي‬wuxuu yiri:
"Maqaadiirta macneheedu waxaa weeye Qadarka oo ka turjumaya cilmiga iyo rabidda Ilaahay
ee azaliga ah, kuna saabsan waxa jira oo ah ka hor intayan jirin oo ayan ahaanin".
Azalina\‫ األزلي‬macneheedu waxaa weeye: wax aan zaman iyo waqti iyo abuurid iyo dhacdo
midna ku xirnayn, oo Ilaahay Ahaanshihiisa iyo Sifooyinkiisuba waa azali, oo waligiis ayuu
ahaa, hadana yahay, weligiisna ahaan doonaa.
" ‫ قبل أن يخلق السموات واألرض بخمسين ألف سنة‬Konton kun oo sano ka hor intuusan
abuurin Samaawaadka iyo arliga."
Qaalli Ciyaad\‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
266
"Waqtigaas kontonka kun oo sano ah waa xadka marka Maqaadiirta Al Llawxu Al Maxfuuthu
\‫ اللوح المحفوظ‬lagu dhigay, ee ma aha zaman xadidaya Maqaadiirta, taasoo azali ah, bilwona aan
lahayn, waana sarbeeb tiro badan tilmaamaysa."
Waxay culummadu is weydiiyeen:
"sideebey konton kun oo sano u ahaaneysaa ayadooba uu waqtigaasi ka horreeyey
abuuritaanka zamankaba, ayadoo uu zamanku la xiriiro abuuritaanka Samaawaatka, uuna
waqtiga iyo sanadu ay la xiriiraan oo ay ka tarjumayaan dhaqdhaqaaqa xiddigaha iyo socodka
qorraxda?"
Waxaana la yiri: "kontonkaas kun oo sano waa muddo la mid ah xagga cilmiga Ilaahay konton
kun oo sano hadday jiri lahaayeen Samaawaatku: waa muddo la mid ah konton kun oo sano oo
aad adinku tirsatiin."
Waxaa kaloo la yiri:
"dhaqdhaqaaqa falagga ugu weyni waa jiray oo ah Carshiga\‫العرش‬, waxaana u daliil ah
Aayadda toddobaad ee Suuratu Huud\‫سورة هود‬, uuna Cazza wa Jalla\‫ عزوجل‬ku yiri:
ِ ‫و َكان عر ُشه علَى اْلم‬
‫اء‬
َ ُ َْ َ َ
َ
"Wa kaana Carshuhu calaa al maa’i'
oo macneheedu yahay:
"Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood".
Taas macneheedu waxaa weeye: Carshiga hortiis ma, ayan ahayn waxaan biyo ahayn,
abuuritaanka Samaawaatka iyo arliga ka hor, biyuhu waxay dul saarnaayeen riix oo ah dabayl,
sida ibnu Cabbas\‫ إبن عباس‬laga, wariyay. Taas ayaa waxay daliil u tahay inay Carshiga iyo
biyuhu ahaayeen ka hor abuuritaanka Samaawaatka iyo arliga.
Asalka biyaha
Xadiithka soo socda ee Ibnu Raziin-na\‫ إبن رزين‬wuxuu wariyay inay biyuhu ahaayeen
abuuritaanka Carshiga\‫ العرش‬hortiis, waxaana Xadiithka wariyay Imaam Axmad\‫ اإلمام أحمد‬iyo
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬oo Xadiith xasan ah ka dhigay, iyo Ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬oo ay ka
wariyyen Abuu Raziin Al Cuqaylii\‫أبورزين العقيلي‬, inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Rabbigeen xaggeebuu ahaa ka hor
intuusan abuurin Samaawaatka iyo arliga? Wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫ ثم خلق عرشه على الماء‬.‫ وما فوقه هواء‬،‫"في مائن تحته هواء‬
"(Kaana) Fii maa'in wa taxtahu hawaa'un, wa maa fawqahu hawaa'un. Thumma khalaqa
Carshahu calaa al maa'i. ".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu ahaa biyo (korkood), biyahaas waxaa ka hooseeyana ay hawo yihiin, waa dabayle,
waxa ka sarreyana ay hawo yihiin. Kaddibna wuxuu Carshigiisa ku abuuray biyo korkood".
267
Wuxuuna kitaabka Al Mufhimi\‫ المفهم‬ku wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فوضع عرشه على الماء‬،‫"أن أول ما خلق هللا ياقوتة حمراء ونظر إليها بالهيبة فصارت ماء‬
" Anna awwala maa khalaqa Allaahu yaaquutatan xamraa'a wa nathara ilayhaa bi al
haybati fa saarat maa'an, fa wadaca Carshuhu calaa al maa'i ".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxa ugu horreeya ee uu Ilaahay abuuray waxaa weeye xabbad yaaquut ah oo guduudan
(Yaaquutku waa jawharad qaali ah sida fasaska faragashiga la suro oo midabyo kala kuwan leh
oo kale oo luulkaba ka qaalisan. Dhagaxdaas qaaliga ahna waxaa ugu qiimo badan yaaquutka).
Markaasuu si haybad leh u dhugtay oo ay markaas biyo noqotay. Fiiro haybad leh macneheedu
waxaa weeye fiiro ay waynaan iyo cabsiini ku dheehan tahay, oo qofka lagu fiiriyo uu
cabsanayo. Markaasuu Carshigiisa biyaha dul saaray."
Carshiga\‫العرش‬
Ibnu abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬iyo abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬waxay Sacad Al Dhaa'ii\‫ سعد الطائي‬ka
wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"العرش ياقوتة حمراء‬
"Al Carshu Yaaquutatun xamraa'a".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Carshigu waa xabbad yaaquut ah oo guduudan."
Abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬wuxuu Xaamid\‫ حامد‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ وخلق له ألف لسان وخلق‬،‫"خلق هللا العرش من زمرد خضراء وخلق له أربع قوائم من ياقوتة حمراء‬
".‫ كل أمة تسبح بلسان من السن العرش‬،‫في األرض ألف أمة‬
"Khalaqa Allaahu Al Carsha min zumrudatin khadraa'a wa khalaqa lahu arbaca
qawaa'imin min yaaquutatin xamraa'in, wa khalaqa lahu alfa lisaanin wa khalaqa fii al
ardi alfa ummatin, kullu ummatin tusabbixu bi lisaanin min alsuni Al Carshi".
Xadiithka maciiihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu Carshiga ka abuuray xabbad zumurud cagaaran ah (waa jawharad ama. dhagax
qaali ah), wuxuuna u abuuray afar lugood oo ka samaysan yaaquut guduudan, wuxuuna u
abuuray kun carrab, arligana, wuxuu ku abuuray kun ummadood, ayadoo ay ummad walba ku
tasbiixsaneyso carrab ka mid ah carrabyada Carshiga."
Al Xaafith Muxammad bin abii Shaybah\‫ الحافظ محمد بن أبي شيبة‬wuxuu uga wariyay kitaabkiisa
"Sifatu Al Carshi\‫ "صفة العرش‬kuwa salafka ka mid ah oo horreeyey inuu Carshigu ka samaysan
yahay xabbad yaaquut guduudan ah oo ay dhinacyadiisu konton kun oo sano oo safar ah isku
268
jiraan, ballaciisuna konton ku oo sano, Carshiga iyo Samada toddobaadna ay konton kun oo
sano isku jiraan, Carshiga iyo arliga toddobaadna ay safar konto kun oo sano isku jiraan.
Ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬iyo ibnu Marduwayh\‫ إبن مردويه‬iyo abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬waxay abuu
Tharr\‫ أبوذر‬ka wariyeen inuu yiri:
"Wuxuu (Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) yiri:
‫ وفضل العرش على الكرسي‬،‫"يا أبا ذر! ما السموات السبع في الكرسي إال كحلقة معلقة في أرض فالة‬
".‫كفضل الفالة على تلك الحلقة‬
"Yaa abaa Tharr! Maa Al Samaawaatu Al Ssabcu fii Al Kursiyyi illaa ka xalqatin
mulqaatin fii arli falaatin, wa fadlu Al Carshi calaa Al Kursiyyi ka fadli al falaati calaa
tilka al xalqati. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Abaa Tharrow\‫ !أبا ذر‬Toddobada Samo marka la isku daro, waxay weynaantoodu le'egyiliiin
marka la barbardhigo Kursiga sida dugaagad (waa midda ay haweenku dhudhunka surtaan oo
kale) arli saxra lama degaan ah lagu tuuray oo kale. Carshiguna wuxuu Kursiga ka weyn yahay
intuu arligaas saxrada ahi dugaagaddaas ka weyn yahay."
Midabyada kala duwan ee Carshiga lagu tilmaamayna waxaa la isu waafajiyay inuu midabkiisu
is beddelo, midabkiisa asliga ahna uu caddaan yabay. Jumlada wuxuu Ilaahay Al Thikri \‫ الذكر‬ku
dhigay, ahna Ummu Al Kitaabi\‫ أم الكتاب‬oo ah Al Llawxu Al Maxfuuthu\‫اللوح المحفوظ‬, siduu
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ugu yiri Aayadda toddobaad ee Suuratu Aali
Cimraana\‫ سورة آل عمران‬iyo Aayadda sagaal iyo soddonaad ee Suuratu Al Rracdi\‫سورة الرعد‬:
ِ َ‫أ ُُّم اْل ِكت‬
‫اب‬
"Ummu Al Kitaabi" oo macneheedu yahay: "Hooyada Kitaabka", ayadoo kutubbada la soo
dejiyay oo idil Al Llawxu Al Maxfuuthu\‫ اللوح المحفوظ‬laga soo guuriyay, waxaa weeye inuu
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay midka Nabiyyada lagu gunaanaday."
Al Llawxu Al Maxfuuthu\‫اللوح المحفوظ‬
Al Llawxu Al Maxfuuthu\‫ اللوح المحفوظ‬in xaqiiqo ahaan iyo run ahaan wax loogu dhigay, ku
dhigiddaasna aan Cilmiga Ilaahay loola dan lahayn, waxaa caddeynaya Axaadiith ay ka mid
yihiin Xadiithka uu Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wariyay iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬iyo Al Xakiimu\‫الحكيم‬
Al Tarmathii\‫الترمذي‬, ayna ka wariyeen Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha isaga iyo aabihiisba
raalli ka ahaadee, oo wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ قلمه نور وكتابه نور‬،‫ صفحتها من ياقوتة حمراء‬،‫"إن هللا خلق لوحا محفوظا من درة بيضاء‬
"Inna Allaaha khalaqa Lawxan Maxfuuthan min durratin baydaa'a, safaxatuhaa min
yaaquutatin xamraa'a, qalamuhu nuurun wa kitaabuhu nuurun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
269
"Ilaahay wuxuu abuuray Loox ilaalsan oo ka samaysan xabbad luul ah oo cad, baalashiisuna ay
xabbad yaaquut guduudan ka sameysan yihiin, qalinkiisuna uu nuur yahay, khadduu wax ku
dhigayana waa nuur."
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu kaloo wariyay inuu looxaas ballaciisu la mid yahay inta Samada
iyo arliga u dhexeysa.
Kitaabka Kanzu al Asraari\‫ كنز األسرار‬wuxuu wariyay inuu dhererka Looxu intaasoo kale yahay.
Ibnu Abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬iyo abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬waxay sanad adag uga wariyeen ibnu
Cabbaas\‫ إبن عباس‬inuu yiri:
"Ilaahay wuxuu abuuray Al Llawxu Al Maxfuuthu‫ اللوح المحفوظ‬ayadoo darfihiisa loo kala
safrayo oo loo kala soconayo boqol sano."
Abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬wuxuu Anas\‫ أنس‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ والوجه الثاني من زمردة خضراء‬،‫"أن هلل لوحا أحد وجهيه من ياقوتة‬
"Anna li Allaahi Lawxan axadu wajhayhi min yaaquutatin, wa al wajhu al thaanii min
zumurudatin khadraaa. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu leeyahay Loox uu labadiisa waji midkood ka sameysan yahay xabba yaaquutat
ah, wajiga labaadna uu ka samaysan yahay xabbad zumurud cagaaran ah."
Abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬wuxuu kaloo Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyay inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ يلخظ إليه في كل يوم ثالث مئأة‬،‫ كتابه نور‬،‫"خلق هللا لوحا من درة بيضاء وقفاه من زبرجد خضراء‬
".‫ يحيي ويميت ويخلق ويرزق ويفعل ما يشاء‬،‫وستين لحظة‬
"Khalaqa Allaahu Lawxan min durratin baydaa'a wa qafaahu min zabarjadatin
khadraaa, kitaabuhu nuurun, yalxathu ilayhi fii kulli yawmin thalaatha mi'atin wa
sittiina laxthatin, yuxyii wa yumiitu wa yakhluqu wa yarzuqu wa yafcalu maa yashaa'u".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu leeyahay Loox ka samaysan xabbad luul cad ah, dhabarkiisuna (qafaahu
macneheedu waxaa weeye tunkiisa, waana xaggiisa dambe) uu ka samaysan yahay xabbad
zabarjad\‫ زبرجد‬cagaaran ah, dhigiddiisuna ay nuur tahay, uuna maalin walba. fiiriyo saddex
boqol iyo lixdan fiiro, uu wax nooleeyo, waxna dilo, wax abuuro, uu rizqiyo, wuxuu doonana
uu falo."
Ibnu abii Al Dunyaa\‫ إبن أبي الدنيا‬wuxuu ku wariyay kitaabkiisa Makaarimu Al Akhlaaqi ‫مكارم‬
\‫األخالق‬, Abuu Al Shaykhna\‫ أبوالشيخ‬uu ku wariyay kitaabkiisa Al Cathamah\‫العظمة‬, Al
Bayhaqiina\‫ البيهقي‬uu ku wariyay kitaabkiisa "Shicabu Al limaani\‫"شعب اإليمان‬, ayna ka wada
wariyeen Anas\‫ أنس‬, oo yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
270
‫ جعلت‬،‫ أرحم وأترحم‬،‫ إني أنا هللا ال إله إال أنا‬:‫ يكتب فيه‬،‫"إن هلل لوحا من زبرجد خضراء تحت العرش‬
".‫ من جاء بخلق منها مع شهادة أن ال إله إال هللا دخل الجنة‬.‫بضعة عشر وثالث مئأة خلق‬
Inna li Allaahi Lawxan min zabarjadatin khadraa'a taxta Al Carshi, yaktubu fiihi: Innii
Anaa Allaahu laa ilaaha illaa Anaa, arxamu wa ataraxxamu, jacaltu bidcata cashra wa
thalaatha mi'atin khuluqin. Man jaa'a bi khuluqin minhaa maca shahaadata an laa
ilaaha illaa Allaahu dakhala Al Jannata. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu leeyaliay Loox xabbad zabarjad cagaaran ka samaysan oo Carshiga hóostiisa
ah, uuna ku dhigo "Anigu waxaan ahay Allaahu, mana uu jiro ilaah aan Aniga ahayn, waan
naxariistaa, naxariis haddii la iga baryana waan yeelaa. Waxaan yeelay saddex boqol iyo dhawr
iyo toban khuluq (waana dabeecad iyo dhaqan). Qofkii la yimaada mid khuluqdaas ka mid ah,
kana markhaati kaca inuusan jirin ilaah aan Aniga ahayn, Jannaduu gelayaa."
Midabyada kala duwan ee Carshiga lagu tilmaamayna waxaa la isu waafajiyay inuu midabkiisu
is beddelo, midabkiisa asliga ahna uu caddaan yahay.
Haddaan tarjumidda iyo macnaynta Xadiithka dib ugu noqonno, wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam yiri:
"Jumlada, waa dhammaane, wuxuu ku dhigay Al Thikru waxaa ka mid ahaa inuu
Muxammad‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khaatama Al Nabiyyiina yahay, ahna
midka Anbiyada ugu dambeeya oo lagu gunaanaday, oo uusan dabadiis Nabi kale jirin."
Xadiithku wuxuu faaiideynayaa oo noo sheegayaa. inuu Carshigu Taqdiirta ka horreeyey iyo
dhigidda Muxammadun Khaatima Al Anbiyaa'i\‫محمد خاتم األنبياء‬. Waxaa marka loo malayn
karaa oo isku darsami karta in nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la buuray Carshiga
ka hor iyo ghayrkiisba. Waxaana arrinkaas ka jawaabay sheekheenna -waxaana hadlaya Al
Zarqaanii\‫الزرقاني‬- oo "caddeeyey inay suurtowdo oo ay bannaan tahay in nuurkiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Carshiga hortiis la buuray iyo dhigiddiisaba, lana soo muujiyay
waqtiga wax la qaddarayey, oo ka dambeysey abuuritaanka Carshiga iyo abuuritaanka
Samaawaatka."
Wuxuu kaloo Xadiithkaani tilmaamayaa inay biyaha iyo Carshigu ay ahaayeen waxa laga
bilaabay caalanka, ayadoo abuuritaanka labadoodu ka horreeyey abuuritaanka shay kaleba.
Waxay Axmad\‫ أحمد‬iyo Ibnu Xibaan\‫ إبن حبان‬iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬oo ay saxiix weeye
yiraahdeen Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬ka wariyeen inuu yiri:
"Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigu markaan ku arkaba
nafteydu waa suubanaataa oo aan farxaa oo ay isheydu qabawsataa, waxaad ii sheegtaa shay
kulligiis asalkiisa ay kasoo askumeen. Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"كل شيئ خلق من الماء‬
"Kullu shay'in khuliqa mina al maa'i”.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
271
"Shay kulligiis, waana wax walbee, waxaa laga abuuray biyo".
Taasi waxay daliil u tahay inay biyuhu asalka makhluuqaatka oo idil yihiin iyo waxa laga
sameeyey, iyo in wax walba ayaga laga abuuray.
Ilaahayna, Tabaaraka wa Tacaalaa\‫هللا تبارك وتعالى‬, wuxuuba Aayadda shan iyo afartanaad ee
Suuratu Al Nuur\‫ سورة النور‬ku yiri:
ٍ ‫َّة ِمن م‬
ٍ َّ َ َ‫واللَّه َخل‬
‫اء‬
ُ َ
َ ْ ‫ق ُكل َداب‬
"Wallaahu khalaqa kulla daabatin min maa'in", oo macneheedu yahay: "llaahayna wuxuu
ka abuuray wax kasta oo nool oo socda biyo."
Taasi waxaa weeye in wax walba oo naf leh biyo laga abuuray, ayna ku jiraan Malaa'igta iyo
Jinnigaba, ayadoo nuurka iyo dabkaba biyo laga abuuray, oo soo ma aadan arag inuu Ilaahay
geedka cagaaran oo qoyan uu ku kulmiyay oo laga wada helo biyihii iyo dabkiiba.
Saxaabiga Xadiithkaan wariyay waa Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi ‫عبد هللا‬
\‫ بن عمرو بن العاصي السهمي‬oo u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Sahm\‫بني سهم‬, ahaana
zaahidka, caabidka iyo faqiiha, kana mid ah asxaabta. Axaadiithta badan Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay, waana mid ka mid ah afarta Cabaadilada \‫العبادلة‬, waana
afarta Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬oo kala ah Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas bin Cabdu Al Mudhalib bin
Haashim bin Cabdu Manaaf Al Haashimiyyi ‫عبد هللا إبن عباس بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد‬
\‫مناف الهاشمي‬, iyo Cabdu Allaahi bin Al Zuybayr bin Al Cawwaam hin Khuwaylid bin Asad
Al Asadii\‫ عبد هللا بن الزبير بن العوام بن خويلد بن أسد األسدي‬iyo Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al
Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Riyaax bin Cabdu Allaahi bin Qurdh bin
Razaax ibnu Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy Al Cadawii ‫عبد هللا بن عمر بن الخطاب بن نفيل بن عبد العزى‬
\‫ بن رياح بن عبد هللا بن قرط بن رزاح إبن عدي بن كعب بن لؤي العدوي‬iyo Cabdu Allaahi bin Camr bin Al
Caasii bin Waa'il bin Haashim bin Saciid bin Sahm Al Sahmiyyi ‫عبد هللا بن عمرو بن العاصي بن وائل‬
\‫بن هاشم بن سعيد بن سهم السهمي‬. . Cabdullaahi bin Camr bin Al Caasii‫عبد هللا بن عمرو بن العاصي‬
wuxuu da'ahaan aabihiis Camr ka yaryahay laba iyo toban sano, isagaana aabihiis ka hor
islaamay.
Xadiithka Al Cirbaadu (waa daad saadka ku xigah) bin Saariyya\‫العرباض بن سارية‬
Al Cirbaadu hin Saariyyah\‫ العرباض بن سارية‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam, yiri:
"‫ وإن آدم لمنجدل في طينه‬،‫"إني عند هللا لخاتم النبيين‬
"Innii cinda Allaahi la Khaatimu Al Nabiyyina wa inna Aadamu la munjadilun fli
dhiinihi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
272
"Anigu waxaan Ilaahay agtiisa midka Anbiyada lagu gunaanaday ka ahaa ayadoo uu Aadam
\‫ آدم‬weli uu arli adag ku xooran yahay isagoo weli dhobadiisa ku weeleysan (oo aan ruuxii lagu
afuufin, oo aan weli nolol la gelin)".
Waxaana Xadiithka wariyay Imaam Axmad\‫ اإلمام أحمد‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Al Xaakim
\‫الحاكم‬, midkaan damboo yiri: "Sanadkiisu waa saxiix”.
Xadiithka Maysaratu Al Fajri Al Dibbiyyi\‫ ميسرة الفجر الضبي‬ee Imaam Axmad\‫اإلمام أحمد‬
Maysaratu Al Dibbiyyi\‫ ميسرة الضبي‬wuxuu wariyay inuu yiri:
"Waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormaad Nabi noqotay?
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"وآدم بين الروح والجسد‬
" Wa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi",
oo macnihiisu yahay:
"Ayadoo uu Aadan‫ آدم‬u dhexeeyo ruuxa iyo jirka" oo macneheedu yahay ayadoo ayan
abuuristiisu dhammaystirmin, nololse u dhow."
Waxaa kaloo wariyay Bukhaarii\‫ البخاري‬oo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda, iyo Abuu
Nucaym\‫ أبونعيم‬oo ku wariyay kitaabkiisa Xuliyyatu Al Awliyaa'i wa Dhabaqaatu Al
Asfiyaa'i\‫حلية األولياء وطبقات األصفياء‬, kitaabkaanoo markuu dhigayba isagoo weli nool afar boqol
oo Diinaar lagu kala gatay. Waxaa kaloo wariyay Al Xaakim\‫ الحاكم‬oo saxiix weeye yiri, iyo Al
Bayhaqiii\‫ البيهقي‬iyo kuwo kaleba.
Xadiithka Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬ee Al Tarmathii\‫الترمذي‬
Waxaa Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬laga wariyay inuu yiri:
"Waxay yiraahdeen: Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormay
Nabinnimadu waajib kuu noqotay? Wuxuu yiri Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
".‫"وآدم بين الروح والجسد‬
"Wa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ayadoo uu Aadam‫ آدم‬u dhexeeyo ruuxa iyo jirka" oo macneheedu yahay ayadoo ayan
abuuristiisu dhammaystirmin, nololse u dhow.
Waxaa wariyay Al Tarmathii\‫الترمذي‬, yirina waa Xadiith xasan ah\‫حديث حسن‬.
273
Xadiithka Sahal bin Saalix Al Hamdaanii\‫سهل بن صالح الهمداني‬
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu kasoo guuriyay kutubbada Abii Sahal Al Qadh dhaan ‫أبي سهل‬
\‫ القطان‬inuu Sahal bin Saalix Al Hamdaanii\‫ سهل بن صالح الهمداني‬yiri:
"Waxaa Abaa Jacfar Muxammad bin Calii\‫( أبوجعفر محمد بن علي‬bin Al Xusayn bin Calii bin
Abii Dhaalib\‫بن الحسين بن علي بن أبي طالب‬, loona yaqaanno Abuu Jacfar Muxammad Al
Baaqir\‫ أبو جعفر محمد الباقر‬oo cilmi badnidiisa loogu bixiyay) la waydiiyay:
"sideebuu Muxammad, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, Anbiyada ugu hormaray (oo uu
hoggaamiye iyo Imaam salaadda ugu noqday) isagoo hadana kooda ugu dambeeyey oo la soo
diray ah?"
Wuxuu yiri:
‫ "ألست بربكم؟" كان‬:‫"إن هللا تعالى لما أخ ذ الميثاق من بني آدم من ظهورهم وأشهدهم على أنفسهم‬
‫ ولذلك صار محمد –صلى هللا عليه وسلم – يتقدم‬،"‫ "بلى‬:‫محمد – صلى هللا عليه وسلم – أول من قال‬
".‫ وهو آخر من بعث‬،‫األنبياء‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay Tacaalaa markuu miithaaqqa, oo ah xarigga iyo ballanka ka qaaday ubadka Aadan ‫آدم‬,
waana markay ku sugnaayeen caalanka tharta thurriyaddooda oo dhabarradooda ku jira, oo uu
aabe walba ubadkiisa dhabarkiisa kasoo saaray laga bilaabo Aadan ‫ آدم‬, wuxuuna tusay daliillo
Rabbinnimadiisa tusaya, wuxuuna u yeelay caqli ay wax ku gartaan uuna ku yiri:
"Soo Rabbigiin ma ihi?" siday noo sheegtay Aayadda boqol iyo labo iyo toddobaatan ee
Suuratu Al Acraaf\‫ سورة األعراف‬.
"Markuu Ilaahy sidaas u wareystay Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu ahaa midka ugu horreeyey oo yiri:
"Bal haa Adigu Rabbigeen ayaad tahay"
Taas ayuu hoggaamiye ugu noqday, isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ahaa kan ugu
dambeeyey oo la soo saaro". Waa intaas warkiisu.
Hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee macnihiisu yahay inuu ahaa Nabi
"Ayadoo uu Aadam\‫ آدم‬u dhexeeyo ruuxa iyo jirka" waxaa laga yiri sidatan:
"Hadduu qof yiraahdo Nabinnimadu waa sifo ama tayo lagama maarmaan ka dhigeysa in qofka
lagu sifeeyo uu jiro oo uu joogo, Nabinnimadana la isi siiyo kaddib markuu ninku afartan sano
jirsado, ayadoo ay da'daas afartanka sano ahi tahay da'da uu ninku kaamil ku noqdo, oo taas
ayaaba u sabab ah in Rususha la soo diro ayagoo afartan jirsaday, haba ahaado Nabi
Ciisee\‫عيسى‬, Calayhissalaamu. Arrinka Nabi Ciisana‫عيسى‬, arrinka uu kitaabka Zaadu Al
Macaadi\‫ زاد المعاد‬xusay in Ciise‫عيسى‬, Calayhissalaamu, samada kor loogu qaaday isagoo
saddex iyo soddon sano jira ma jiro Xadiith Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
xiriira oo arrinkaas loo raaco.
Al Shaamii\‫ الشامي‬wuxuu yiri:
274
"Sidaas uu yiri waxaa laga wariyay Nasaarada krishtaanka ah, waxaase ku sugan Axaadiithta
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhiu Wasallam, waxay sheegayaan in Ciise‫عيسى‬
Samada kor loogu qaaday isagoo boqol iyo labaatan sano jira".
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu kitaabkiisa Al Kabiiru\‫ الكبير‬ku wariyay Xadiith sanadkiisu rag
lagu kalsoon yahay ka kooban yihiin, ayna ka wariyeen inay Caaisha \‫عائشة‬, Allaha ayada iyo
aabeheedba raalli ka noqdee, tiri inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri
Faadhimah markuu hayey xanuunka lagu oofsaday:
‫ وأنه عارضني بالقرآن العام مرتين وأخبرني أنه لم‬،‫"أن جبريل كان يعارضني بالقرآن في كل عام مرة‬
‫ وال أراني إال‬،‫ وأخبرني أن عيسى بن مريم عاش عشرين ومئأة سنة‬،‫يكن نبي إال عاش نصف الذي قبله‬
".‫ذاهبا على رأس الستين‬
"Inna Jibriila kaana yucaaridanii bi Al Quraana fii kulli caamin marratan, wa annahu
caaridanii bi Al Quraani al caama marratayni wa akhbaranii annahu lam yakun
Nabiyyun illaa caasha nisfa allathii qablahu, wa akhbaranfi anna Ciisaa bin Maryama
caasha cishriina wa mi'atan sanah, wa laa araanii illaa thaahiban calaa ra'si al sittiina. "
Kaasoo ah Xadiithkii oo kooban macnihiisu waxaa weeye:
"Jibriil wuxuu ii soo bandhigi jiray Quraanka sanadkiiba mar, sanadkaanna laba goor ayuu ii
soo bandhigay (waxaa weeye laba goor ayaan hortiisa isagoo ii dhegeysanaya korka ka
akhriyay), wuxuuna ii sheegay inuusan ahaarn Nabi ee waa illaa kan noolaaday, oo uu
cimrigiisu ahaa nuska Nabigii isaga ka horreeyey, wuxuuna ii sheegay inuu Ciise ina Maryama
‫ عيسى بن مريم‬noolaa boqol iyo labaatan sano, umana aanse jeedo waxaan ahayn inaan anigu
ku tegi doono madaxa lixdanka (oo waa aan adduunkaan ka. tegi doono markaan daa ahaan ku
jiro bilowga sanadkeyga lixdanaad, wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tegey
isagoo saddex iyo lixdan sano jira oo ay u buuxsantay maalintaas uu tegayo)".
Abuu Yaclaa\‫ أبويعلى‬wuxuu Faadhimah\‫فاطمة‬, Sallaa Allaahu Calayhaa wa Sallam, ka wariyay,
inay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay inuu Ciise ina Maryam ‫عيسى بن‬
‫ مريم‬a ku sugnaaday oo uu ku dhex noolaa reer Banii Israa'iil \‫ بني إسرائيل‬afartan sano.
Xadiithkaanna midka hore ayuu ayyidayaa oo uu xoojinayaa.
Markay hadday Nabinnimadu sifo tahay, sidee baa Nabinnimo loogu sifeynayaa ka hor
intuusan jirinba, aanna weli la soo dirin?
Waxaa su'aashaas ka jawaabay Al Callaamah Abuu Xaamid Muxammad bin Muxammad,
Xujjatu al Islaami Al Ghazaalii\‫العالمة أبو حامد محمد بن محم\ حجة اإلسالم الغزالي‬, Allaha u naxaristee,
kanoo ku dhintay magaalada Dhuus\‫ طوس‬sanadka shan boqol iyo shan Hijriga, kuna dhigay
kitaabkiisa "Al Nafkhu wa al Taswiyah\‫"النغخ والتسوية‬, oo macneeyey Xadiithka Abii Camr
Ismaaciil bin Nujayd ibnu Axmad bin Yuusuf Al Niisaabuurii Al Salamii ‫أبي عمر إسماعيل بن نجيد‬
\‫إبن أحمد بن يوسف النيسابوري السلمي‬oo A'immada ka mid ahaa, midka hadalkiisu faseexa cad ahaa,
Ilaahay ka dhawrsada, suufiga shaaficiga ah ahaa, dhintayna sanadka saddex, boqol iyo lix iyo
lixdanka Hijrada, uuna ka wariyay Maysarah Al Fajr\‫ ميسرة بن الفجر‬oo yiri:
"Waxaan iri:
275
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormaad Nabi ahayd?'
Wuxuu SallaA Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"كتبت رسوال وآدم بين الروح والجسد‬
"Kutibtu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa (Nabinnimo la ii dhigay oo ay ii waajibtay oo la iga dhigay) Nabinnimo la ii dhigay
ayadoo uu Aadan‫ آدم‬u dhexeeyo ruuxa iyo jirka", oo macneheedu yahay ayadoo la suuradeeyey
aanse weli ruuxa noolol siin lahaa lagu afuufin, oo uusan weli nooleyn."
Sidoo kale wuxuu Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬ka jawaabay Xadiithka kale oo uu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
".‫"كنت أول األنبياء خلقا وآخرهم بعثا‬
"Kuntu awwala Al Anbiyaa'i khalqan waa aakhiruhum bacthan",
ayna wariyeen Ibnu Abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬oo tafsiirkiisa ku wariyay, iyo Abuu Isxaaq Al
Juthaqaanii\‫ أبوإسحاق الجوذقاني‬oo kitaabkiisa taariikhda ku wariyay, ayna Abuu
Hurayrah\‫أبوهريرة‬, Allaha raalli ka noqdce, ka wariyeen. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ahaa midka ugu horreeya Anbiyada oo la buuro iyo kooda ugu dambeeya oo la soo
diro."
Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬wuxuu yiri:
"Erayga abuuridda ee Xadiithkaani wariyay macnihiisu waxaa weeye Al Taqdiiru duuna al
iijaadi\‫التقدير دون اإليجاد‬, oo ah: "waa qadaridda ahaanshihiisa la qadaray, aanse ahaanshihiisa
jiriddisa aha ahayn."
Haddii la yiraahdo: jeer ay hooyadiis ka dhasho ma uusan jirin oo ma uusan abuurnayn,
jawaabtu waxaa weeye: ujeedooyinka (la leeyahay oo ah waxa la doonayo in la gaaro) iyo
kamaalaadka oo ah wixiiyo dhammaystiran waxay ku horreeyaan taqdiirka. Markaas kaddib
ayayna ahaadaan oo ay jiraan oo la arkaa. Taas ayuu macneheedu yahay oraahday kuwii hore
oran jireen oo ah: "Awwalu al fikrati aakhiru al camali awwalu al fikrati ‫ أول‬،‫أول الفكرة آخر العمل‬
\‫"الفكرة‬, oo macneheedu yahay: "Fikradda horreysa camalku waa dambeeyaa, fikraddaa ugu
horreysey".
Taasi waxay la mid tahay sida muhandaska ama injineerka ama fuundigaba daarta dhisaya inuu
marka hore naftiisa ku dhiso oo uu is tusiyo oo uu arko daarta uu doonayo inuu dhiso oo
kaamil ah oo dhammaystiran. Sidaas ayay daarta oo kaamil ah waxay run ahaantii tahay waxa
ugu horreeya oo uu qadariyo. Isla markaasna daartaas oo kaamil ah oo dhammaystiran waa
waxa ugu dambeeya oo ahaanaya oo jiraya, ayadoo jiritaankeedaas kaamilka ah waxa ka
horreeyaba, sida dhagaxda oo la is kor saaro ama blookeetigaba, iyo dhisidda darbiyada iyo
dhisidda tiirarka daarta iyo waxa la midka ahba waa wasiilo ama dariiq lagu gaaro ujedadii la
lahaa iyo kamaalkii la doonayey oo ah daar kaamil ah.
276
Marka, gaaridda daartaas kaamilka ah ayaa qalabka loo keensadaa oo loo adeegsadaa, looguna
hawl galaa".
Intaas kaddibna wuxuu Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬yiri:
"Hadalkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ah
".‫"كنت نبيا وآدم بين الروح والجسد‬
"kuntu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi" (oo macneheedu yahay
waxaan Nabi ahaa ayadoo uu Aadam‫ آدم‬u dhexeeyo ruuxa iyo firka", oo macneheedu yahay
ayadoo la suuradeeyey aanse weli ruuxa noolol siin lahaa lagu afuufin, oo uusan weli nooleyn)
waxay tilmaan u tahay waxaan soo sheegnay,oo ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Nabi ku ahaa taqdiirta ka hor intaan abuurista Aaadam‫آدم‬, Calayhissalaamu, la dhammaystirin,
maxaa yeelay xaaladduba waxaa weeye Aadam‫ آدم‬inaan loo abuurin in ubadkiisa Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga soo bixiyo mooyee, siduuba Ilaahay, Tabaaraka wa
Tacaalaa\‫هللا تبارك وتعالى‬, Aadan‫ آدم‬ugu yiri:
".‫"لواله ما خلقتك‬
"Law laahu maa khalaqtuka"
oo macneheedu yahay:
"Hadduusan isaga ahaan lahayn kumaba aanan abuureen" oo macneheedu yahay "waxaanba
kuu abuuray isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, daraadiis".
Kaddib Ilaahay wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saafi iyo daahir
ayuu ka dhigay, sida marka inta laabtiisa la dhanbalay la daahiriyay oo saafi laga dhigay
xinjirtana laga soo bixiyay, oo sidaas ayaa aayar aayar loo daahirinayey ilaa uu ka gaaro oo uu
yeesho sifooyin kaamil ah oo ah kuwa ugu sarreeya."
Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬wuxuu kaloo yiri:
"Xaqiiqadaas iyo runtaas ma aad garan gartid jeer la ogaado inay daartu labo tayo oo ahaansho
ay leedahay, oo kala ah: (kow) jiritaanka ay ku jirto garadka. iyo maskaxda injineerka ama
fuundiga oo jiritaanka runta ah ee daarta ka horreeya, iyo (labo) jiritaanka daartii oo la dhisay,
oo indhaha lagu arko. Marka ogow in sidaas oo kale oo ay daartaasu laba jiritaan u leedahay,
uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ashyaa'da u qadariyaa abuuristooda ka hor, markaas kaddibna uu
waxaas uu qadariyay ahaysiiyaa oo wax jira oo loo jecdo ka dhigaa, si qadarintiisa horreysey
waafaqsan." Intaas ayuu hadalka Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬ku egyahay.
Macnaynta Xadiithka Al Subkii\‫السبكي‬
Hadalkaas Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬waxaa diiday oo ka horyimid hadalka uu yiri Al Shaykhu Al
Imaamu al callaamah abii Al Xasan Cali bin Cabdu Al Kaafii ‫الشيخ اإلمام العالمة أبي حسن علي بن عبد‬
\‫ الكافي‬oo lagu koofaaro Taqiyyu Al Diini Al Subkii\‫تقي الدين السبكي‬, faqiiha xaafithka ah,
277
Quraanka fasiray ee usuuliga ah, cilmiga hadalkana iyo naxwahaba ke xeeldheer, siduu ugu
xeel dheeryahay luqada Carabiga, kuna dhashay tuulada Subk\‫ سبك‬oo ka tirsan degmada Al
Manuufiyyah\‫ المنوفية‬ee dalka Masar\‫مصر‬, bisha Safar\‫ صفر‬ee sanadka lix boqol iyo saddex iyo
sideetanka Hijriga, kaddibna hantay guddoomiyannimada cilmiga Diinta ee Dalka Masar \‫مصر‬,
kutubbo badanna dhigay, kuna dhintay jaziiradda Al Fiil\‫ الفيل‬ee jinka wabiga Niil\‫ النيل‬ku taalla
maalin isniin ah ee afarta. bisha Jamaadul Aakhirah\‫ جماد اآلخر‬ee sanadka toddoba boqol iyo lix
iyo konton Hijriga.
Aabihiisna wuxuu ahaa, sidiisoo kale, caalin wayn, isaguuna cilmiga ka qaatay, magaciisuna,
wuxuu ahaa Kamaalu Al Diini Al Subkii\‫كمال الدين السبكي‬. Allaha u wada naxariisto ayaga iyo
culummada Islaankaba.
Al Subkii\‫ السبكي‬wuxuu yiri:
"Waxaa sugnaatay inuu Ilaahay arwaaxda abuuray jirarka hortood. Marka, hadday sidaas
tahay, hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah "Kuntu Nabiyyan\‫ "كنت نبيا‬oo
ah waxaan ahaa Nabi, wuxuu tilmaamayaa ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee
sharrifka ah, ama xaqiiqo ka mid ah xaqaa'iqa, oo ay markaas Nabinnimadu run ahaantii ku
sugnaatay, oo ay u dhammaystirantay ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sharafta leh,
oo Nabinnimadiisu uma ayan baahan jir jira ama ooga jirta oo loo jeedo oo ay Nabinnimo ku
sugnaato.
Waxaa Ilaahay uu Nabi ka dhigay bilowgaba waa ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Jir ahaanna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi noqon doonaa marka ruuxiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Nabi ah uu jirkiisa shariifka ah ku xirmo. Xaqiiqadaas
aan soo sheegnay maxay tahay? Xaqiiqadaas (xaqiiqo macneheeduna waxaa weeye wax run oo
jira) caqligeennu wuu ka gaabiyaa inuu gaaro, waxaase yaqaanna Kii abuuray iyo qofkuu
Ilaahay u fidiyo oo siiyo nuur Ilaahi ah oo uu ku garto waxa ka qarsoon qofkaan nuurkaas loo
fidin oo aan la siin. Kaddib xaqaa'iqaas mid kastoo ka mid ah wuxuu Ilaahay siiyaa wuxuu
doono iyo goortuu doono.
Sidaas ayay xaqiiqada Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahayd tan iyo bilowga
waqtiga Aadam\‫ آدم‬abuuristiisa iyo intaan abuuristiisaba la dhammaystirin. Sidaas ayuu
Ilaahay xaqiiqada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u siiyay sifadaas ah
inay abuuristeedu tahay mid u diyaar ah oo u sameysan qaadashada Nabinnimada iyo inay
Nabi noqoto, Ilaahayna wuxuu siiyay oo uu waqtigaasba korkiisa yeelay sifadaas.
Sidaas ayay xaqiiqada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo
Nabinnimadiisu ugu horreysey abuuridda Nabi Aadam‫آدم‬, kanoo markii la abuuray kaddib
Nabi laga dhigay."
Taas macneheedu waxaa weeye inay Nabinnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, saddex martabadood soo martay oo kala ah:
(kow) Inuu marka koowaad Nabi ku ahaaday Cilmiga Ilaahay, kaddibna:
(labo) Inuu Ruuxiisa Sharrifka ahay Nabinnimadu ku sugnaatay oo ay kaamil ku noqotay oo ay
ku dhammaystirantay, iyo:
278
(saddex) In marka jirkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la abuuray, uu ruuxiina oo Nabi
ah ku xirmay oo markaas ay dadka indhohooda isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi
ah ku arkeen.
Waxaana sidaas wariyay kitaabka Al Ladhaa'ifu wa Al Subulu\‫اللطائف والسبل‬. Al Zarqaanina
\‫ الزرقاني‬wuxuu wariyay inuu shiikhiisu yiri:
"Hadalkaas Al Subkii\‫ السبكي‬wuxuu faa'iideeyey inay Nabinnimadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku qadarnayd marka hore cilmiga Ilaahay, kaddibna ay ku dhabawday ayadoo laga
dhigay oo ay waajib noqotay, kaddibna in la ahaysiiyey oo loo muujiyay oo la tusay Malaa’igta
oo ay indhohooda ku arkeen. Qadiyada aan soo marnay oo ku saabsan muujinta xaqiiqadiisana
ka hor intaan inta kaloo jirta la muujin, waxay ka dhigeysaa martabadaha afar oo kala ah:
(kow) Tan koowaad oo la xiriirta cilmiga Ilaahay inuu Nabi noqon doono, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam.
(labo) Kaddib wuxuu abuuray isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuur ah.
(saddex) Kaddib wuxuu Nabinnimadiisa ku dhigay Al Lawxu Al Maxfuuthu\‫اللوح المحفوظ‬.
(afar) Kaddibna wuxuu Ilaahay u muujiyay oo uu tusay Malaa'igta
.
Al Subkii\‫ السبكي‬oo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri:
"Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu noqday Nabi -waana ruuxiisa ama
xaqiiqadiisa, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam-wuxuuna magaciisa ku dhigay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasalla, Carshiga, wuxuuna Ilaahay Malaa'igtiisa iyo ghayrkoodba u sheegay inuu
Rasuul yahay laga bilaabo caalanka markaasba jiray, ama caalanka ka koobnaan doona ubadka
Aadan‫ آدم‬marka la abuuro.
Wuxuu kaloo Ilaahy u sheegay karaamada uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
agtiisa ku leeyahay. Marka xaqiiqadiisu waxay jirtaa oo ay sugnaatay waqtigaasba iyo inta ka
dambeyseyba, in kastoo abuuritaanka jirkiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
oo Nabinnimada ku sifeysan oo lagu sheegi doono uu waqtigaas ka dambeeyey.
Marka inay xaqiiqadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelatay tilmaamahaas shariifka ah
oo laga siiyay oo looga soo shubay si toos ah xagga Ilaahay waxay sugnaadeen laga bilaabo
waqtigaas.
Waxaase dib ka sugnaaday Bicthada\‫ البعثة‬dadka loo soo diray iyo gaarsiintiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, uu Risaalada nasoo gaarsiiyay. Dhammaanna wuxuu xagga Ilaahay ka
helay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo xagga u habaynta laftiisa shariifka ah iyo
xaqiiqadiisaba way hormareen oo hore ayay u ahaadeen oo dib u dhac kuma ahaan.
Sidoo kale dib u dhac iyo ahaansho dambeeyey kuma ayan sugnaan ka dhigiddisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi iyo siintiisa Kitaab iyo Xikmada iyo Nabinnimada way ka
wada horreeyeen ahaansha jirkiisa. Waxaase waqti dambe ahaaday, oo intaasoo idilba ka
dambeeyey, ahaanshihiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ku gadgaddoonkiisa
dhabarrada awoowayaalkiisa daahiriinta ah ilaa uu kasoo if baxo oo uu ka dhasho.
279
Marka, waxaa Xadiithkaan in arwaaxda la abuuray ka hor intaan jirarka la abuurin laga
baranayaa in qofka u fasiray hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu Nabi
ahaa ayadoo uu Aadan‫ آدم‬u dhexceyo ruuxa iyo jirka oo aan weli abuuritaankiisa la
dhammaystirin, (siduu Al Ghazaalii\‫ الغزالي‬u fasiray oo kale) inay taas macneheedu yahay inay
Nabinnimadaasi ku koobnayd cilmiga Ilaahay inuu Nabi noqon doono, inuusan gaarin
macnahaan aan soo sheegnay oo ah inay Nabinnimadu ruuxiisa ama xaqiiqadiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugnaatay oo ay kuba dhammaystirantay.
Sababtuna waxay tahay inuu cilmiga Ilaahay wax walba koobay. In Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Nabinnimo lagu sifeeyo waqtigaas waxaa lagama maarmaan ah in loo garto
inuu kaasu yahay amar iyo arrin sugan isla waqtigaasba. Haddise la yiraabdo inuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam Nabi ahaa waqtigaas uu Aadan ‫ آدم‬ruuxa iyo jirka u dhexeeyey
macneheedu inuu yahay oo keli ah inuu Ilaahay u cilmi lahaa inuu mustaqbalka Nabi noqon
doono, taasina ma noqon karto wax Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u gaar
ah oo isaga khaas looga dhigay, ayadoo uu Ilaahay cilmi u lahaa isla waqtigaas, horreeyey iyo
ka horba inay Nabiyadoo idil Nabi noqon doonaan.
Marka waxa isaga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khaaska iyo sida
goonida ah loo siiyay wa inay ahaataa in waqtigaas Aadan‫ آدم‬uu ruuxa iyo jirka dhexdooda
yahay ay Nabinnimadu u sugnaatay oo laga dhigay oo loo dhammaystiray, taasoo aan Nabi
kale la siin.
Taas ayaana u sabab ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xadiithkaan u yiri isagoo
ummaddiisa ogeysiinaya, si ay u ogaadaan qadarkiisa uu Ilaahay Tacaalaa \‫ هللا تعالى‬agtiisa ku
leeyahay."
Intaas ayuu hadalka Al Subkii\‫ السبكي‬ku ehyahay, wuxuuna, warkaas ku dhigay kitaab
magaciisa la yiraahdo oo uu u bixiyay "Al Tacthiimu wa Al Munnatu fii: "la tu'minunna bihi
ِ
wa la tansurannahu" ُ‫ص ُرَّنه‬
ُ ‫" لَتُ ْؤ ِمُن َّن بِه َولَتَْن‬:‫ "التعظيم والمنة في‬oo ah Aayadda kow iyo sideetanaad
ee Suuratu Aali Cimraana\‫سورة آل عمران‬.
Xadiithka Calii\‫علي‬, Calayhissalaamu, ee ibnu Jariir\‫إبن جرير‬
Waxay ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬iyo ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyeen inuu yiri markuu fasirayey Aayadda kow iyo
sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana‫ سورة آل عمران‬oo oranaysa:
ٍ ِ ٍ َ‫ِمن ِكت‬
‫ق لِ َما َم َع ُك ْم لَتُ ْؤ ِمُن َّن بِ ِه‬
ٌ ‫ص ِّد‬
ْ
َ ‫اء ُك ْم َر ُسو ٌل ُم‬
َ ‫اب َوح ْك َمة ثَُّم َج‬
ِ ِ َّ ‫ال فَا ْشه ُدوا وأ ََنا مع ُكم ِمن‬
)81( ‫ين‬
َ َ‫ص ِري قَالُوا أَ ْق َرْرَنا ق‬
َ ‫الشاهد‬
َ ْ ََ َ َ
ْ ِ‫إ‬
َّ ‫اق‬
‫ِّين لَ َما آَتَْيتُ ُك ْم‬
َ َ‫َخ َذ اللَّهُ ِميث‬
َ ‫َوِا ْذ أ‬
َ ‫النبِي‬
‫َخ ْذتُ ْم َعلَى َذلِ ُك ْم‬
َ َ‫ص ُرَّنهُ ق‬
َ ‫ال أَأَ ْق َرْرتُ ْم َوأ‬
ُ ‫َولَتَْن‬
"Wa ith akhatha Allaahu miithaaqa al Nabiyyiina lamaa aataytukum min kitaabin wa
xikmatin thumma jaa'akum Rasuulun musaddiqun limaa macakum la tu'minunna bihi
wa la tansurannahu qaala a'aqrartum wa akhathtum calaa thaalikum isrii qaaluu
aqramaa qaala fa ash-haduu wa anaa macakum mina al sh-shaahidiina",
280
oo macneheedu yahay:
"Xusuuso markuu ka qaaday Ilaahay ballan adag Nabiyada waxaan idin siiyo oo kitaab iyo
xikmo ah markaas uu idiin yimaado Rasuul rumaynaya una gargaartaan, kuna yiri:
"Ma qirteen oo ma qaadeen arrintaas ballankayga ah oo ay yiraabdeen waan qirnay
(oggolaannay) markaas ku yiri marag ka noqda, Anna la jirkiinna ayaan. ka mid noqonayaa
kuwa marag kici", inuu ‫ علي‬yiri:
‫ وأخذ‬، ‫ "لم يبعث اهلل نبيا آدم ومن بعده إال أخذ عليه العهد في أمر محمد‬: ‫وقال علي بن أبي طالب‬
".‫العهد على قومه ليؤ ِم ُن َّن به ولئن ُبعث وهم أحياء لينصرنه‬
"Ilaahay Nabi ma dirin, laga bilaabo Aadan\‫ آدم‬iyo inta ka dambeysayba ee waa illaa kan ka
qaaday cahdi iyo ballan adag oo ku saabsan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, in haddii la soo diro ayagoo nool uu midka nolol kusoo gaara oo ayaga ka mid ihi
uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeynayo oo uu u gargaarayo, ayna
tahay inuu cahdigaasoo kale dadkiisa loo dirayna uga qaado."
Xadiithkaas oo kalena waxaa kaloo laga wariyay ibnu Cabbaas \‫ إبن عباس‬, siduu tafsiirkiisa ugu
xusay Al Cimaadu Al Xaafithu Ismaaciil bin Cumar ibnu Kathiir Al Qaysii Al Muftii Al
Muxaddith\‫العماد الحافظ إسماعيل بن عمر إين كثير القيسي المفتي المحدث‬, oo dhintay sanadka toddoba
boqol iyo afar iyo toddobaatanka Hijriga.
Sidoo kale waxaa wariyay ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬iyo Al Baghawii\‫البغوي‬.
Al Shaykhu Taqiyyu Al Diini Al Subkii\‫ الشيخ تقي الدين السبكي‬wuxuu yiri:
"Aayaddaan shariifka ah ee kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana‫( سورة آل عمران‬oo
aan kor kusoo xusnay) waxaa ku sugan dareen la is dareensiinayo oo la is tusayo Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo waynayn qadarkiisa sarreeya oo aan la qarin karin la
waynaynayo. Waxaa kaloona ku sugan in la qadaray inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
yimaado oo la soo diro zamankooda isagoo ayaga loo soo diray, oo ay Risaaladiisa iyo
Nabinnimadiisu ku ahaato mid caam ah oo guud oo saameysa khalqiga oo idil min Aadam \‫آدم‬
ilaa Maalinta Qiyaame, ayna Anbiyada iyo ummadahoodu ay Ummaddiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka mid ahaadaan. Sidaas ayuuna hadalkiisa uu Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam yiri oo ahaa
".‫"وبعثت إلى الناس كافة‬
"Wa bucithtu ilaaal naasi kaafatan"
oo macnihiisu yahay
"Waxaan la ii diray dadka dhammaantood (Carab, cajam, madow, guduud, iwm)", ayna
wariyeen Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫مسلم‬, wuxuu noqonayaa mid aan ku koobnayn oo keli
ah dadka jiray laga bilaabo isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, zamankiisa ilaa Yawmul
Qiyaamaha, ee balse wuxuu koobaya kuwa ayagana ka horeeyey.
281
Muslim\‫ مسلم‬riwaayad uu wariyay wuxuuba Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
".‫"إلى الخلق كافة‬
"llaa al kha1qi kaafatan",
oo macneheedu yahay:
"Waxaa la ii diray khalqiga dhammaantiis", oo ah inta Ilaahay, Cazza wa Jalla \‫هللا عز وجل‬,
kasoo haratah, oo uu Isagu abuuray. Eraygaasna wuxuu koobayaa Insiga, Jinniga iyo
Malaa'igtaba.
Intaas aan soo sheegnay, oo ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi yahay oo ay
waagaas, horreysey Nabinnimo u sugnaatay, oo Anbiyada kalena cahdi iyo ballan looga
qaaday inay rumeeyaan oo ay raacaan, iyo in arwaaxda la buuray ka hor intaan jirarka la
abuurin, ayaa waxay macneyneysaa hadalkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu yiri oo
ah:
".‫"كنت نبيا وآدم بين الروح والجسد‬
"kuntu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan ahaa Nabi ayadoo uu Aadan‫ آدم‬ku sugan yahay xaalad u dhexeysa ruuxa iyo jirka.
Taas macneheedu waxaa weeye inay xaqiiqadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay
Nabinnimo u sugnaatay oo ay la muuqatay ka hor intaan Aadan ‫ آدم‬la abuurin, oo uusan
ruuxiisu jirkiisa dhex gelin. Marka haddaad taas ogaatay oo aad garatay, waxaad ogaatay inuu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay Nabiga Anbiyada , oo ayagoo
idilna loo diray, ayagoo ayaguna Nabinnimadooda ku sugan.
Taas ayaana u sabab ah inay Maalinta Qiyaame Anbiyadoo idili calankiisa hoostiisa ku sugan
yihiin, siduuba isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yiri Xadiithka uu Axmad \‫ أحمد‬ka
wariyay Anas\‫أنس‬:
".‫"وبيدي لواء الحمد آدم فمن دونه تحت لوائي‬
"Wa bi yadii liwaa'u Al Xamdi Aadama fa man duunahu taxta liwaa'ii".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Gacantaydana waxaa ku jira Calanka Xamdiga, Aadan‫ آدم‬iyo inta ka sokeysana waxay yiliiin
calankayga hoostiisa."
Adduunkaanna waa sidaasoo kale, oo habeenka la dheelmiyay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu tujiyay oo uu imaam u noqday Anbiyada. Hadduu imaatinkiisa
adduunkaanna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waafiqi lahaa oo uu ku beegnaan lahaa
zamanka Aadam‫ آدم‬iyo Nuux\‫ نوح‬iyo Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Muuse\‫ موسى‬iyo Ciise\‫عيسى‬,
282
Calayhimussalaamu, waxaa dhammaantood waajib ku ahaan lahaa inay isaga rumeeyaan oo ay
u garggaraan. Sidaas ayaana cahdiga iyo ballanka iyo xarigga adag looga qaaday.
Xadiithka dhobada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Al caarifu al Rabbaanii, midka cilmi iyo Diin badnida lagu tilmaamay Cabdu Allaahi bin abii
Jamrah\‫العارف الرباني عبد هللا بن أبي جمرة‬, caalinka xaafithka ah ee maalikiga ah, Ilaahayna ka
dhawrsada oo caabuda, uuna ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬ka yiri: "Xaqqa ayuu ku hadli jiray,
samaantana fari jiray", kuna dhintay Masar\‫ مصر‬bisha Thuu Al Qacdah\‫ ذوالقعدة‬ee sanadka lix
boqol iyo shan. iyo sagaashan Hijriga, una dhashay qoys wayn oo Maghrib\‫ المغرب‬ama
Morocco degah, kaddibna Masar\‫ مصر‬degay, dhigayna kitaab uu ku sharxay Saxiixu Al
Bukhaarii\‫شرح صحيح البخاري‬, wuxuu kitaabkiisa kale ee Bahjatu Al Nufuusi,\‫ بهجة النفوس‬oo
macnihiisu yahay "Faraxa nafafyaalka" ku wariyay, siduu hortiis ugu wariyay kitaabkiisa
"Shifaa'u al Suduuri\‫ "شفاء الصدور‬oo macnihiisu yahay "Bogsiinta laabaha" uuna dhigay Al
Imaamu abuu al Rabiic bin Sabc\‫اإلمام أبوالربيع السبع‬, ayna ka wada wariyeen Kacb al Axbaar ‫كعب‬
\‫األحبار‬, oo magaciisu yahay Kacb bin Maanic Abuu Isxaaq Al Ximyarii Al Taabicii ‫كعب بن منيع‬
\‫ أبوإسحاق الحميري التابعي‬kaasoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo gaaray,
aanse indhiliiisa ku arag, kanoo cilmigiisa badnidiisa la isku waafaqay, cilmigaasna ka qaatay
Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬iyo koox asxaabta ka mid ah, isagana ay ka
wariyeen afartii Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ee "Al Cabaadilah\‫ "العبادلة‬iyo Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬iyo
Anas\‫ أنس‬iyo Mucaawiyah\‫معاوية‬.
Kacab\‫ كعب‬wuxuu ahaan jiray yuhuudi Yaman\‫ يمن‬deggan, wuxuuna, islaamay zamanka Abuu
Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha isaga iyo qoyskiisaba raalli ka noqdee. Waxaana
kaloo la yiri zamanka Cumar‫عمر‬, tanoo faaftay. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ku islaamay
gacanta Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee, zamanka Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam siduu Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬u wariyay.
Kacb\‫ كعب‬kaddib wuxuu degay arliga Shaam\‫الشام‬, ayaduuna ku dhintay, sida la wariyay
sanadka labo iyo soddonaad ee Hijrada zamanka Cuthmaan bin Caffaan \‫عثمان بن عفان‬, Allaha
raalli ka noqdee, isagoo boqol sano kor u dhaafay.
Axaadiithta Kacb\‫ كعب‬waxaa wariyay lixda Imaam intaan Bukhaarii\‫ البخاري‬ahayn, kanoo
wariyay war uu Mucaawiyah\‫ معاوية‬ka tabiyay Kacb\‫كعب‬.
Kacb\‫ كعب‬wuxuu yiri:
"Markuu Ilaahay doonay inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuuro, wuxuu
Jibriil\‫ جبريل‬amray inuu u keeno dhoobada ah qalbiga arliga iyo quruxdiisa iyo nuurkiisaba."
Wuxuu yiri:
"markaasuu Jibrill\‫ جبريل‬soo degay isagoo ay la socdaan Malaa'igta Jannada Al Firdaws \‫الفردوس‬
iyo Malaa'igta Samada ugu sarreysa ee toddobaad. Markaasuu cantoobada dhoobada ah ee
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga abuurayo wuxuu kasoo qaaday barta
uu ku yaallo qabrigiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo cad oo
iftiimeysa. Markaasaa dhoobadaas waxaa lagu raqday oo lagu cajiinay biyaha la yiraahdo Al
Tasniimi\‫التسنيم‬, oo ah waxa Jannada laga cabo waxa ugu sarreeya. Waxaana la yiraahdaa Al
Tasniimu\‫ التسنيم‬waa il guryaha Jannada kor marta oo dadka Jannada ku jira guryohoodaas hoos
283
ugu soo degatah, oo macnaha Al Tasniimu\‫ التسنيم‬waxaa weeye "midda kor kasoo hoobata oo
korkooda kusoo degatah".
Al Tasniimu\‫ التسنيم‬waana isha ay wabiyada Jannadu kasoo burqadaan, sidduba Ilaahay,
Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ugu sheegay Aayadaha toddoba iyo sideed iyo
labaatanaad ee Suuratu Al Mudhaffifiina\‫سورة المطففين‬:
ِ ‫و ِم َز‬
ٍِ
)58( ‫ون‬
ُ ‫) َع ْيًنا َي ْش َر‬53( ‫اجهُ م ْن تَ ْسنيم‬
ُ َ
َ ‫ب بِهَا اْل ُمقََّرُب‬
"Wa mizaajuhu min tasniimin(27)Caynan yashrabu bihaa al muqarrabuuna(28)"
oo macnohoodu yahay:
"Waxaana lagu dheehi cabitaan sare(27)Waa il ay ka cabbaan kuwa Ilaahay u dhaw(28)."
Kacb\‫ كعب‬oo, hadalkiisa sii wata wuxuu yiri:
"Markaasaa waxaa cantoobadaas lagu raqday, oo lagu cajiinay biyaha Al Tasniimu \‫التسنيم‬, oo
ah isha ay kasoo burqadaan wabiyada Jannada, oo lagu raqdayey ilaa ay ka noqotay sida
xabbad luul ah oo wayn oo cad oo shucaac iyo kaah cathiim ah oo wayn uu ka kaahayo,
Kaddib Malaa'igta ayaa intay qaaday waxaa lagula soo dawaafay Carshiga \‫( العرش‬sida Kacbada
Makkah\‫ مكة‬loogu dawaafo oo kale ayadoo lala soo wareegsado) iyo Kursiga \‫ الكرسي‬iyo
Samaawaatka dhexdooda iyo arligaba iyo buuraha iyo badaha (kuwa arliga ku yaalla iyo
ghayrkoodba). Markaasey Malaa'igtu baratay oo ay ogaatay, uuna sidoo kale u bartay oo uu u
ogaaday khalqiga oo idil Sayyidkeenna Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo
fadligiisa uu khalqiga intiisa kale dheer yahay, ka horba intayan baran oo ayan aqoonsan
Aadan\‫ آدم‬Calayhissalaarnu." Waxaa intaas ku eg hadalka Kacb\‫كعب‬.
Hadalkaas oo kalena qofna ra'yigiisa kama oran karo, oo ama kutubadii hore ayuu kasoo
guuriyay, ama qof uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay.
Xadiithka Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee dhoobada Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxaa la yiri: Markuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Samaawaatka iyo arliga la hadlay, siday
Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Fussilat\‫ سورة فصلت‬noo sheegtay, uuna ku yiri waxaan
doonayo sameeya:
ِِ
ِ ‫ثَُّم استَوى إِلَى السَّم‬
ِ ‫ال لَهَا ولِ ْْل َْر‬
)11( ‫ين‬
َ ‫ض ِا ْئتَِيا‬
َ َ‫ان فَق‬
ٌ ‫اء َوِه َي ُد َخ‬
َ ‫ط ْو ًعا أ َْو َك ْرًها قَالَتَا أَتَْي َنا طَائع‬
َ
َ
َْ
"Thumma istawaa ilaa Al Ssamaa'i wa hiya dukhaanun fa qaala lahaa wa li al arli
a'atiyaa dhawcan aw karhan qaalataa ataynaa dhaa'iciina",
oo macneheedu yahay:
"Markaasuu Ilaahay u qasday Samada ayadoo qiiq ah, kuna yiri ayada iyo arligaba:
"kaalaya adinkoo hoggaansan ama adinkoo khasban", waxayna yiraahdeen:
284
"waxaan nimid annagoo hoggaansan", waxay yiraahdeen annaga iyo waxa dhexdeenna ku
suganba waxaan nimid annagoo adeecsan. Midka arliga warkaan u yiri, oo Ilaahay Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ تعالى‬u jawaabay waxay ahayd barta ay Kacbada Shariifka ahi ku taallo, Samadana waxaa uga
jawaabay inta Kacbada ku beegan oo la siman. Markaas kaddib ayay arliga intiisa kale iyo
Samaawaatka intooda kale ayaguna hadalkoodaas ku waafaqeen inay hoggaansamayaan."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Arliga ugama uusan jawaabin intaan Xaramka ahayn, kano fadhiga Kacbada Shariifka ah ka
ballaaran", isagoo hadalkiisaas ku saleeyey Xadiithka Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas ‫عبد هللا إبن‬
\‫ عباس‬uu ku yiri:
"Asalka dhoobada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa weeye xudunta
arliga ee Makkah\‫ مكة‬ku taalla".
Markaasuu caalinka Al Suhruwardii\‫ السهروردي‬ee iska leh kitaabka Al Cawaarif\‫ العوارف‬wuxuu
yiri:
"Hadalkaas uu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬yiri iyo kuwii ka horreyeyba wuxuu na dareensiinayaa
inuusan arliga ka jawaabin intaan ahayn Durrada, oo ah xabbad luul ah oo wayn oo qaali ah oo
qiimo badan, ee laga abuuray Al Musdhafaa Muxammad\‫المصطفى محمد‬, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, (oo sida nasoo martay ay dhoobadiisu noqotay sida xabbad luul ah oo cad,
waana arki doonnaa, Inshaa'Allaahu\‫إن شاء هللا‬, ayadoo jawharad-na lagu tilmaamay). Barta
Kacbada ayaana arliga laga fidiyay.
Sidaas, ayuuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku noqday asalka uu
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, ashyaa'da\‫ األشياء‬ka ahaysiiyey, inta
sidaas loo abuurayna ay isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, raacsiisanyihiin.
Waxaana la yiri in taas daraadeed Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ummi\‫ أمي‬loogu
bixiyay, ayadoo ay Makkah\‫ مكة‬tahay Ummu Al Quraa'\‫ أم القرى‬oo ah hooyada magalooyinka,
isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Durradiisuna ay tahay hooyada khaliiqada.
Marka haddaad tiraahdid in qof walba ciidda laga abuuray barta laga soo qaaday lagu duugayo,
sida soo aroortay, waxay ahayd in Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬lagu
duugo, taasoo dhoobadiisa laga soo qaaday. Maxay hadaba sidaas u ahaan weyday? Waxaa si
sahlan uga jawaabay Al Callaamah Cumar Shihaabu Al Diini bin Muxammad bin Cumar Al
Suhruwardii\‫العالمة عمر شهاب الجين بن محمد بن عمر السهروردي‬, faqiiha shaaficiga ah, zaahidka,
Imaamka waraca ah oo Ilaahay ka dhawrsada, suufiga zaman khilaawooda, soomidda iyo
thikriga u go'ay, oo markay da'diisu weynaatay bilaabay inuu dadka la hadlo oo wacdiyo,
kaddibna ka haray oo ka fariistay, Xajkana laazimay ilaa uu boqolkii sano ugu dhowaaday
cumri ahaan. Khalqi badan ayaa raacay iyo suldaanno iyo madax badan. Wuxuu yiri:
"Biyaha uu Carshigu korkooda ahaa markay hirar yeeshaan oo ay ruxdaan waxa dul
heehaabaya ayay dhinacyada u tuuri jireen. Markaasey jawharadda, waa dhoobada Nabigee,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku dhacday meel ku beegan dhobadiisa Al
Madiinah\‫المدينة‬, ayadoo ay Makkana\‫ مكة‬uga soo hartay intuu Jibriil\‫ جبريل‬ka qaaday markuu
Ilaahay doonay soo muujinta Al Musdhafaa\‫المصطفى‬. Sidaas ayuu wuxuu Nabigu, Sallaa
285
Allaahu Calayhi Wasallam, ku ahaa Makkii\‫مكي‬, ayadoo dhobadiisa ayada laga soo qaaday, iyo
Madanii\‫مدني‬, isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayada lagu duugay, taasoo u sabab
ahayd inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Makkana hilow u qabay, dhobadiisuna ay Al
Madiinah\‫ المدينة‬ahayd."
Jawharad\‫ جوهرة‬waxaa la yiraahdaa dhagax kasta oo lagala soo baxo shay lagu intifaaco oo
waxtar leh, siduu yiri Al Qaamuusu\‫القاموس‬.
Xadiithka ibnu Dhughrubak\‫ إبن طغرباك‬koofaaridda Aadam\‫ آدم‬Abaa Muxammad\‫أبا محمد‬
Ibnu Dhughrubak\‫ إبن طغرباك‬, oo ah caalinka Xadiithka ku xeel dheer, magaciisuna yahay Sayfu
Al Diini Abii Jacfar Cumar bin Ayyuub bin Cumar Al Ximyarii Al Turkumaanii Al
Dimishqiyyi Al Xanafii\‫سيف الدين أبي جعفر عمر بن أيوب بن عمر الحميري التركماني الدمشقي الحنفي‬,
wuxuu kitaabkiisa Al Durru al Nathiimi fii Mawlidi Al Nabiyyi Al Kariimi ‫الدر النظيم في مولد النبي‬
\‫ الكريم‬ku yiri:
"Waxaa la wariyay in markuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aadan‫ آدم‬abuuray uu ku ilhaamiyay,
kana hor intaan axad Malaa'igta ka mid ahi uusan koofaartaas ugu yeerin, inuu yiraahdo:
"Rabbigayow, maxaad iigu koofaartay Abaa Muxammad\‫( ? أبا محمد‬oo ah Muxammad‫محمد‬
aabihiis)?"
Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
"!‫"يا آدم ارفع رأسك‬
"Yaa Aadamu irfac ra'saka!",
oo ah:
"Aadanow‫آدم‬, madaxaaga kor usoo qaad!"
Markaasuu Aadan‫ آدم‬madaxiisa kor usoo qaaday. Markaasuu wuxuu ku arkay nuurka
Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo suuraddiisa leh Carshiga.
Markaasuu Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Rabbiyow, muxuu yahay nuurkaani?"
Wuxuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬yiri:
‫ وال خلقت سماء‬،‫ لواله ما خلقتك‬،‫ ريتك اسمه في السماء أحمد وفي األرض محمد‬1 ‫"هذا نور نبي من‬
".‫وال أرضا‬
"Haathaa nuuru Nabiyyin min thurriyyatika ismuhu fii Al Ssamaa'i Axmadu wa fii al
ardi Muxammadun, lawlaahu maa khalaqtuka, wa laa khalaqtu Samaa'an wa laa
ardan",
oo macnihiisu yahay:
"Kani waa nuurka Nabi dhashaada ka mid ah, magaca Malaa’igta Samadu u taaqannana uu
Axmadu\‫ أحمد‬yahay, dadka arliga degganna ay Muxammadun\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
286
Wasallam, u yaqaannaan. Hadduusan isga ahaan lahaynna, kumaba aanan abuureen, mana
aanan abuureen Samo iyo arli midna."
Waxaana inay sida uu Xadiithkaan lagu wariyay ay tahay u marag Xadiithka uu Al Xaakim
\‫ الحاكم‬kitaabkiisa Saxiixa ah ee Al Mustadrik\‫ المستدرك‬Abuu Xafs Amiirul Mu'rniniina Cumar
bin Al Khadh-dhaab\‫أبوحفص أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, uga
wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ "لوال محمد ما‬:‫ وأن هللا تعالى قال آلدم‬،‫"أن آدم عليه السالم رأى اسم محمد مكتوب على العرش‬
".‫خلقتك‬
"Anna Aaadama Calayhissalaamu ra'aa isma Muxammadun maktuuban calaa Al
Carshi, wa anna Allaaha Tacaalaa qaala li Aadama: "law laa Muxammadun maa
khalaqtuka"."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Inuu Aadan‫ آدم‬, Calayhissalaamu, arkay Magaca Muxammadun‫ محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam,oo Carshiga ku dhigan iyo inuu markaas Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aadan‫ آدم‬ku
yiri: "Haddayan Muxammad‫ محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahaan lahayn kumaba
aanan abuureen. "
Abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬wuxuu kitaabka Dhabaqaatu Al Asfahaaniyyina\‫ طبقات اإلسفهانيين‬ku
wariyay, Al Xaakimna\‫ الحاكم‬inuu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬yiri:
،‫ فلوال محمد ما خلقت آدم وال الجنة والالنار‬،‫"أوحى هللا إلى عيسى آمن بمحمد ومر أمتك أن يؤمنوا به‬
".‫ فسكن‬،‫ فكتبت عليه ال أله إال هللا محمد رسول هلل‬،‫ولقد خلقت العرش على الماء فاضطرب‬
"Awxaa Allaahu ilaa Ciisaa Aamin bi Muxammadin, wa mur ummattaka an yu'minuu
bihi, fa law laa Muxammadan maa khalaqtu Aadama wa laa Al jannata wa laa Al Naara,
wa la qad khalaqtu Al Carsha Calaa Al Maa'i, fa idraba, fa katabtu calayhi Laa ilaaha
illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi, fa sakana",
oo macnihiisu yahay:
"Ilaahay wuxuu Ciise‫ عيسى‬u waxyooday oo uu ku yiri: "Aamin Muxammad\‫محمد‬,
ummaddaadana waxaad amartaa inay ayaguna rumeeyaan, oo haddayan Muxammad\‫محمد‬
ahaan lahayn Aadanba‫ آدم‬ma aanan abuureen iyo Jannada iyo Naarta midna. Markaan
Carshiga biyo korkooda ku abuuray ayuu nuuxnuuxsaday, markaasaan waxaan korkiisa ku
dhigay ‫ ال أله إال هللا محمد رسول هلل‬Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu
Allaahi, markaasuu xasilay oo degay."
Xadiithkaan waxaa saxiix ka dhigay Al Xaakim\‫الحاكم‬, waxaan hubiyay oo sugay Al Subkii
\‫السبكي‬, kuna sugay kitaabkiisa "Shifaa'u Al Siqaami\‫ "شفاء السقام‬oo macnihiisu yahay
"Bogsiinta kuwa buka", Al Balqiinina\‫ البلقيني‬wuxuu. ku sugay oo uu saxiixnimadiisa isaguna
ku qiray fatwooyinkiisa.
287
Xadiithkaas oo kalena ninna ra'yigiisa kama yiraahdo ee xukunkiisu waa al rafco \‫الرفع‬, oo ah in
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor loogu qaado oo lala xiriiriyo, oo la
yiraahdo waa Xadiithka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Daylamii\‫ الديلمي‬wuxuu Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee,
ka wariyay inuu yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ "لوالك ما خلقت الجنة ولوالك ما خلقت النار‬:‫ "إن هللا يقول‬:‫"أتاني جبريل فقال‬
" Ataanii Jibriilu fa qaala: "Inna Allaaha yaquulu: "Law laaka maa khalaqtu Al Jannata
wa law laaka maa khalaqtu Al Naara".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa ii yimid Jibriil\‫جبريل‬, wuxuuna yiri:
"Ilaahay wuxuu leeyahay: "Haddayan adiga ahaan lahayn ma abuureen Jannada, haddayan
adiga ahaan lahaynna ma abuureen Naarta".
Ibnu Sabc\‫ إبن سبع‬iyo Al Cazafii\‫ العزفي‬waxay Calii bin Anii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha
raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri :"Ilaahay wuxuu Nabigiisa ku yiri::
".‫ "من أجلك أسطح البطحاء وأموج الموج وأرفع السماء وأجعل الثواب والعقاب‬:‫"أن هللا قال لنبيه‬
"Min ajlika asdhaxu al Badhaxaa'a, wa amuuju al mawja, wa arfaco Al Ssamaa'a, wa
ajcalu al thawaaba wa al ciqaaba."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Adiga daraaddaa ayaan waadiyada u fidiyay (ama waaba waadiga Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ المكرمة‬oo ay magacddeeda ka mid tahay Al Badhaxaa'a\‫)البطحاء‬, oo aan hirarka. baddana u
kiciyaa, aan Samadana kor uga yeelay, aanna abaalmarin iyo ciqaabna u yeelay."
Waxaa la yiri: taasna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ghayrkiis uma
sugnaan, ha ahaado Nabi ama Malag hadduu doonee. Wa Lillaahi darru\‫( وهلل الدر‬oo la yiraabdo
marka qof la weyneynayo, oo uu macneheedu weyneyn yahay, macneheeduna yahay: caanaha
markuu dhashay lagu rabbeeyey Axad aan Ilaahay ahayn loo nisbeyn mayo, ayadoo uu
qofkaasi kaamilnimadiisa lagu ammaanay ay caadada ka saaratay oo ka kor marisay) midka
isagoo Xadiithkaan aasaas ka dhiganaya iyo tawasulka\‫ التوسل‬Aadan\‫ آدم‬uu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Ilaahay ugu tawasulay, oo sidaas tawbadiisa lagu
aqbalay, waana gabayaaga, Saalix bin Xusayn\‫ صالح بن حسين الشاعر‬oo yiri:
‫وكان لدي الفردوس في زمن الصبا \\ وأثواب شمل األنس محكمة السدى‬.1
‫\\ يزيد على األنوار في الضوء والهدى‬
‫يشاهد في عدن ضياء مشعشعا‬.2
‫\\ جنود السماء تعشو إليه ترددا‬
‫فقال إلهي ما الضياء الذي أرى‬.3
‫\\ وأفضل من في الخير راح أو اغتدى‬
‫فقال نبي خير من وطئ الثرى‬.4
‫\\ وألبسته قبل النبيين سؤددا‬
‫تخيرته من قبل خلقك سيدا‬.5
‫\\ مطاعا إذا ما الغير حاد وحيدا‬
‫واعددته يو القيامة شافعا‬.6
‫\\ ويدخله جنات عدن مخلدا‬
‫فيشفع في إنقاذ كل موحد‬.7
288
‫\\ ولكنني أحببت منها محمدا‬
‫وإن له أسماء سميته بها‬.8
‫\\ تكون على غسل الخطيئة مسعدا‬
‫فقال إلهي امنن علي بتوبة‬.9
‫بحرمة هذا االسم والزلفة التي\\ خصصت بها دون الخليقة أحمدا‬.11
‫أقلني عثاري يا إلهي فإن لي \\ عدوا لعينا جار في القصد واعتدي‬.11
‫فتاب عليه ربه وحماه من \\ جناية ما أخطاه ال متعمدا‬.12
1. Wa kaana laday Al Firdaws fii zamani al sabaa
Wa athwaabu shamli al unsi muxkamatu al sadaa
2. Yushaahidu fii Cadan diyaa'an mushacshacaa
Yaziidu calaa al anwaari fii al daw'i wa al hudaa
3. Fa qaala Ilaahii ma al diyaau allathii araa
Junuudu Al Samaa'i tacshuu ilayhi taradudaa.
4. Fa qaala Nabiyyun khayra man wadhi'a al tharaa
Wa afdalu man fii al khayri raaxa aw ightadaa
5. Takhayyartuhu min qabli khalqika Sayyidan
Wa albastuhu qabla al Nabiyyiina su'dudaa
6. Wa acdadtuhu Yawma Al Qiyaamati Shafiican
Mudhaacan ithaa maa al ghayru xaada waxiidaa
7. Fa yashfacu fii inqaathi kulli muwaxxidin
Wa yudkhiluhu Jannati Cadnin mukhalladaa
8. Wa inna lahu asmaa'un sammaytahu bihaa
Wa laakinnanii axbabtu minhaa Muxammadaa
9. Fa qaala Ilaahii amnun calayya bi tawbatin
Takuunu calaa ghasli al khadhii'ati musaccadaa
10. Bi xurmati haathaa al isma wa al zulfata allatii
Khasasta bihaa duuna al khaliiqata Axmadaa
11. Aqilnii cathaarii yaa Ilaahii fa inna lii
Caduwwan laciinan jaara fii al qasdi wa ictadaa
12. Fa taaba calayhi Rabbuhu wa xamaahu min
janaayata maa akhdhaahu laa mutacammidaa.
Gabaygaas macnihiisu waxaa weeye:
1. Bilowga amarkiisa, marka jirkiisa ruuxa la geliyay, iyo intaan arligaan loo soo dejin ka hor,
Aadan wuxuu ahaa Jannada Firdaws agteeda,/ iyo dhar kulmiyey wehel oo idil oo duntooduna
si isku dhowdhow oo adag loo tolay: waana sarbeeb uuna ka wada oo uu ku tilmaamayo siduu
Aadan Ilaahay ugu dhowaa.
2. Wuxuuna Jannada Cadan\‫( عدن‬waa midda lagu waaro) dhexdeeda ku arkay nuur faafsan oo
kaahaya/Kana nuur badan nuurarka la yaqaanno xagga iftiinka iyo hanuunkaba.
3. Markaasuu Aadan\‫ آدم‬yiri: Ilaahayow, muxuu yahay nuurkaan aan u jeedo oo nuurarka kale
ka xoog badadan/Oo ay ciidanka Samadu soo aadeyso oo ay usoo qasdeyso si ay ugu iftiinsato,
ayna kusoo noqnoqonayaan inay wax ugu nuursadaan.
4. Markaasuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه تعالى‬, wuxuu yiri: "Waa nuurka
Nabi ah kan ugu khayr badan qof arliga ku kor socday oo dul maray (oo al tharaa waxaa la
yiraahdaa, ciidda qoyan)/Waana midka ugu fadli badan oo ugu deeqtoon mid dariiqa khayrka
qaada, habeen iyo maalinba.
289
5. Waxaanna doortay intaanan adiga ku abuurin ka hor Aadanow‫ آدم‬iyo inuu noqdo Sayyid
hoggaamiye ah/Waxaanna u labbisay Sayyidnimo Nabiyada hortood.
6. Waxaanna u diyaariyay Maalinta Qiyaame inuu shafeeco qaado/ isagoo ah mid la adeeco (oo
shafeecadiisa uu Ilaahay yeelo)/Isagoo ay ghayrkiis marayaan ayagoo keligood ah.
7. Markaasuu u shafeeco qaadayaa badbaadinta kulli mid muwaxxid ah oo kelinnimada Ilaahay
qiray/Oo markaasuu gelinayaa, Jannooyinka dhexdooda lagu waaro isagoo hadana dhexdeeda
ku waaraya.
8. Isagu wuxuu leeyahay magac aan u bixiyay oo aan ugu yeeray/Laakiin waxaan magacdaas
ka jeclaaday Muxammad\‫محمد‬.
9. Markaasuu Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri: Ilaahayow, igu manneyso tawbad aqbal/Oo noqota, mid
dhaqidda dambigaan galay ka qayb qaadata oo saacidda.
10. Sidaas iiga yeel xurmada magacaan iyo deeqda iyo siduu kuugu dhowyahay/Oo aad isaga
ku gooni yeeshay khalqiga sokadiisa Axmad\‫أحمد‬.
11. Ilaahayow, iga rid dambiyadeyda maxaa yeelay waxaan leeyahay/Cadaw laciin ah oo
naxadista Ilaahay laga fogeeyey (waana Ibliis) ujeedadiisu ay dulmi tahay oo ay xuntahay,
colaadna geystey.
12. Markaasuu Rabbigiisu tawbadiisa aqbalay, kana ilaaliyay oo ka reebay/Dambiga uu gaf
ahaan u galay uusanna ula kac u gelin.
Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii\‫جابر بن عبد هللا األنصاري‬
Wuxuu Cabdu Al Razzaaq bin Humaam bin Naafic Al Ximyarii \‫عبد الرزاق بن همام بن نافع الحميري‬,
caalinka ka wariyay Macmar\‫ معمر‬iyo Ibnu Jariij‫ إبن جريج‬iyo Maalik\‫ مالك‬iyo labada Sufyaan
\‫ سفيان‬iyo Al Awzaacii\‫ األوزاعي‬iyo khalqi kaloo badan, isagana ay ka wariyeen Axmad \‫ أحمد‬iyo
Isxaaq\‫ إسحاق‬iyo ghayrkoodba, kuna dhintay sanadka laba boqol iyo kow toban Hijriga
Baghdaad‫ بغداد‬isagoo shan iyo sideetan jir ah, kitaabkiisa iyo sanad uu isagu leeyahay uga
wariyay Jaabir bin Cabdu Allaahi bin Camr bin Xaraam Al Ansaarii Al Khazrajii ‫جابر بن عبد هللا‬
\‫بن عمرو بن حرام األنصاري الحورجي‬, saxaabiga uu dhalay saxaabi kale, kana qayb galay sagaal iyo
toban duullaan (waana ghazwah: duullaanka hadduu hoggaaminayo Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la yirahdaa Ghazwah\‫غزوة‬, hadday saxaabiyyin keli ah
yihiin Sariyyah), kuna dhintay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬kaddib sanadka
Hijrada ee toddobaatanaad isagoo kow iyo sagaashan jir ah, wuxuuna yiri:
"Waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan kugu furanayaa
aabahay iyo hooyadey, ii sheeg waxa ugu horreeyey oo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬abuuray
ka hor ashayaa'da (waa waxa jira ) oo idil."
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ فجعل ذلك النور يدور بالقدرة حيث شاء‬،‫إن هللا تعالى قد خلق قبل األشياء نور نبيك من نوره‬،‫"يا جابر‬
‫ و ال أرض و ال شمس‬،‫ و ال ملك و ال سماء‬،‫ و ال جنة و ال نار‬،‫ ولم يكن في ذلك الوقت لوح و ال قلم‬،‫هللا‬
‫ فخلق من‬،‫ فلما أراد هللا تعالى أن يخلق الخلق قسم ذلك النور أربعة أجزاء‬،‫ و ال جني و ال إنسي‬،‫و ال قمر‬
‫ فخلق من‬،‫ ثم قسم الجزء الرابع أربعة أجزاء‬.‫ ومن الثالث العرش‬،‫ و من الثاني اللوح‬،‫الجزء األول القلم‬
‫ فخلق‬،‫ ثم قسم الرابع أربعة أجزاء‬،‫ و من الثالث باقي المالئكة‬،‫ و من الثاني الكرسي‬،‫األول حملة العرش‬
‫ فخلق‬،‫ ثم قسم الرابع أربعة أجزاء‬،‫ و من الثالث الجنة والنار‬،‫ و من الثاني األرضين‬،‫من األول السموات‬
290
،‫ ومن الثاني نور قلوبهم – وهي المعرفة باهلل – و من الثالث نور أنسهم‬،‫من األول نور أبصار المؤمنين‬
".‫ ال إله إال هللا محمد رسول هللا‬،‫و هو التوحيد‬
"Yaa Jaabiru, inna Allaaha Tacaalaa, qad khalaqa qabla al ashyaa'a nuura Nabiyyika
min NuuriHi, fa jacala min thaalika al nuuri yaduuru bi al Qudrati xaythu shaa'a
Allaahu. Wa lam yakun fii thaalika al waqti Lawxun wa laa Qalamun wa laa jannatun
wa laa Naarun wa laa Malakun wa laa Samaa'a, wa laa arda, wa laa shamsun, wa laa
qamarun, wa laa Jinniyyun wa laa Insiyyun. Fa lammaa araada Allaahu an yakhluqa
qassama thaalika al nuura arbacata ajzaa'in: 1. Fa khalaqa mina al juz'i al awwali Al
Qalama, 2. Wa mina al th-thaanii Al Lawxa 3. Wa min al th-thaalithi Al Carsha.
Thumma qassama al juz'a al raabica arbacata ajzaa'in: (1) Fa khalaqa mina al awwali
Xamala Al Carshi (2) Wa mina al thaanii Al Kursiyya (3) Wa mina al thaalithi baaqiya
Al Malaa'ikati. Thumma qassama al rraabica arbacata ajzaa'in: (1) Fa khalaqa mina al
awwali Al Samaawaati Al Sabca, (2) Wa mina al th-thaanii Al Ardiina, (3) Wa mina al
th-thaalithi Al Jannah wa Al Nnaara. Thumma qassama al rraabica arbacata ajzaa'in:
(1) Fa khalaqa mina al awwali Nuura Absaara Al Mu'miniina (2) Wa mina al th-thaanii
Nuura Quluubihim wa hiya al macrifatu bi Allaahi (3) Wa mina al th-thaalithi Nuura
unisihim wa huwa Al Tawxiidu Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi.
"
Xadiithkaan oo uu Al Bayhaqiina\‫ البيهقي‬wariyay isagoo erayadiisu qaar ka duwanyihiin,
macnihiisu waxaa eeye:
"Jaabirow\‫جابر‬, Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬, wuxuu abuuray intuusan shay kale abuurin ka hor,
Nuurka Nabigaaga, uuna ka abuuray Isaga Nuurkiisa oo uu Ilaahay Tacaalaa \‫هللا تعالى‬
nuurkaas Isaga Laftiisa u nisbeeyey sharfid uu Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
sharfayo iyo inuu Nabigu yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khalqi cajiib ah, siduu
Aayadda sagaalaad ee Suuratu Al Sajdah\‫ سورة السجدة‬uu ruuxa uu Aadam\‫ آدم‬geliyay uu Isaga
laftiisa ugu nisbeeyey oo kale, uuna yiri:
ِ ‫يه ِمن ر‬
ِ ‫ثَُّم س َّواه وَنفَ َخ ِف‬
‫وح ِه‬
ُ ْ
َُ َ
"Thumma sawwaahu wa nafakha fiihi min ruuxihi"
oo macneheedu yahay
"Markaasuu ekeeyey oo uu ruuxiisa ku afuufay".
Markaasuu Ilaahay nuurkaas ka yeelay mid ku wareegsada Qudradda Ilaahay meeshuu doono.
Waqtigaasna ma jirin Lawxul Maxfuuthka\‫اللوح المحفوظ‬, Qalinkuna ma jirin, Jannana ma jirin,
Naarna ma ayan jirin, kuwaasoo markaas kaddib la abuuray, ayadoo hadana Jannada la
abuuray intaan Naarta la abuurin ka hor, siduu Abuu Al Shaykhi \‫ أبو الشيخ‬Ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬uga wariyay; Malaa’igna ma jirin, Samana ma jirin, arlina ma jirin, qorraxna ma jirin,
dayaxna ma jirin, Jinnina ma jirin, Insina ma jirin. Markaasaa markuu Ilaahay doonay inuu
khalqiga abuuro, ayuu nuurkaas wuxuu ku ziyaadiyay oo uu ku daray afar qaybood:
291
Q a l i n k a\‫القلم‬
(Kow) Qaybta koowaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Qalinka. Qalinka waxaa si tifaftiran
uga warbixinaynnaa kitaabka afaraada markaan ka hadlaynno qaybaha iimaanka inshaa’a
Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Al Llawxu Al Maxfuuthu\‫اللوح المحفوظ‬
(Labo) Qaybta labaad ee nuurkaasna (waxaan dib ugu noqonnay tarjumidda iyo macneynta
Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii) wuxuu ka abuuray Lawxul Maxfuudka, ,
korna aan uga soo hadalnay aanna uga hadlaynno kutubbada soo socda, inshaa’a Allaahu ‫إن‬
\‫شاء هللا‬.
Al Carshu\‫العرش‬
(Saddex) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Carshiga, oo aan kutubbada soo
socda uga hadli doonno inshaa’a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
(Afar) Markaasuu Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\‫هللا تبارك وتعالى‬, qaybta afaraad ee nuurkaas
wuxuu u qaybiyay afar qaybood oo kale, oo kala ah:
Xamalatu Al Carshi\‫حملة العرش‬
(1) Markaasuu wuxuu qaybta koowaad ka abuuray Malaa'igta ah Xamalatu Al Carshi ‫حملة‬
\‫ العرش‬, oo ah kuwa Carshiga xambaarsan, ahna sideed Malag oo suuradda ama ekaanshaha Al
Awcaalu\‫ األوعال‬leh oo ah orgiyada buuraha dushooda ku nool ah. Malaa’igtaanna waxaan uga
hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu‫ إن شاء هللا‬.
Al Kursiyyu\‫الكرسي‬
(2) Qaybta labaadna wuxuu Ilaahay Tacaalaa ka abuuray Al Kursiyyu, taasoo xujjo u ah inuu
Kursigu ka duwanyahay Carshiga, waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee
kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu‫ إن شاء هللا‬.
Malaa'igta
(3) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Malaa'igta inteeda kale, waxaan uga
hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu‫ إن شاء هللا‬.
(4) Kaddibna qaybtii afaraad ayuu afar u qaybiyay, uuna ka kala abuuray:
292
Toddobada Samo
Kowaad. Wuxuu qaybta koowaad ka abuuray toddobada Samo, waxaan uga hadlaynnaa
qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu‫ إن شاء هللا‬.
Toddobada arli
Labaad. Qaybta labaadna. ee nuurkaas wuxuu Ilaahay Tacaalaa ka abuuray toddobada arli,
waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu ‫إن‬
‫شاء هللا‬.
.
Jannada iyo Naarta
Saddexaad. Qaybta saddexaadna ee nuurkaas wuxuu ka abuuray Jannada iyo Naarta.
Afaraad. Qaybta afaraad ee nuurkaasna wuxuu u qaybiyay, kaddib, afar qaybood oo uu ka
kala abuuray:
Nuurka Basiirada Mu'miniinta
(1) Qaybta koowaad ee nuurkaas wuxuu ka. abuuray nuurka basiirada mulminiinta iyo
araggooda guud oo ay wax ku arkaan, ayadoo ay gaaladu waxtarka iyo nafaca aragga basiirada
seegeen, ayna u noqotay dhibaato ee nafac iyo waxtar midna uma noqon.
Nuurka Quluubta Mu’miniinta
(2) Qaybta labaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray nuurka quluubta Mu'miniinta, oo ah
macrifada iyo aqoonsiga Ilaahay.
Nuurka Unsiga ee wehesha
(3) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray nuurka weheshooda, oo ah Tawxiidka
oo ah Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Al Qasdhalaanii, oo aan kasoo guurinnay, ma uusan xusin qaybta afraad oo Xadiithkoo idil,
qofkii doonayana ha ka raadsado Musnadu Cabdu Al Rrazzaaq.
Xadiithka Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, wajigiisa Allaha karaameeyee
Al Xaafith abii Al Xasan Cali bin Muxammad bin Cabdu Al Malik al Ximyarii, al Kanaanii, al
Faasii\‫الحافظ أبي الحسن بن محمد بن عبد الملك الحميري الكناني الفاسي‬, loona yaqaanno oo ku caan baxay
Ibnu Al Qadh-dhaan\‫ إبن القطان‬kuna xeel dheeraa cilmiga Xadiithka iyo magacda ragga
wariyaba, aadna u danayn jiray ragga wariya, laguna yaqiinnay xifthiga, dhigayna kitaabka Al
Wahmu wa al lihaamu\‫ الوهم و اإللهام‬uuna ku sharxayo kitaabka Al Axkaamu Al Kubraa ‫األحكام‬
\‫ الكبري‬ee uu dhigay Cabdu Al Xaqq\‫عبد الحق‬, dhintayna sanadka Hijriga ee lix boqol iyo sideed
iyo toban, wuxuu kitaabkaas ku dhigay, siduu uga wariyay Al Callaamah Muxammad bin
293
Axmad bin Muxammad bin Muxammad bin abii Bakr bin Marzuuq Al Tilamsaanii ‫العالمة محمد‬
\‫بن أحمد بن محمد بن أبي بكر بن مرزوق التلمساني‬, loona yiqiinnay Al Khadhiib\‫الخطيب‬, dhashayna
sanadka Hijriga ah ee toddoba boqol iyo toban, maahirna cilmiga iyo cabsida Ilaahayba ku
noqday, sharxayna kutubbada Al Cumdah iyo Al Shifaa' Burdah‫ العمدة في الشفاء‬iyo Al \‫ البردة‬iyo
Al Axkaamu Al Sughraa\‫ األحكام الصغرى‬ee uu dhigay Cabdu Al Xaqq\‫عبد الحق‬, iyo Al Mukhtasar
\‫ المختصر‬ee Ibnu Al Xaajib\‫ إبن ماجة‬oo furuucda ku saabsan, iyo qaar kitaabka Al
Mukhtasar\‫ المختصر‬ee Al Shaykhu Khaliil\‫الشيخ خليل‬, ku dhintayna Masar\‫ مصر‬bisha Rabiicul
Awwal\‫ ربيع األول‬ee sanadka Hijriga ee toddoba boqol iyo kow iyo sideetan, ka wariyay Cali bin
Al Xusayn bin Cali bin Abii Dhaalib\‫علي بن الحسين بن علي بن أبي طالب‬, oo koofaartiisuna
tahay Zaynu Al Caabidiina\‫ زين العابدين‬oo Taabici\‫ تابع‬ahaa, gobta ahaa caadilka ah, uuna Al
Zuhriyyu\‫ الزهري‬ka yiri:
"Ma aanan arag nin Quraysh ah oo ka fadli badan kana faqiihsan";
Ibnu Al Musayyibna\‫ إبن المسيب‬wuxuu ka yiri:
"Ma aanan arag nin ka warac iyo cabsi Ilaahay badan".
Ibnu Sacadna\‫ إبن سعد‬wuxuu ka yiri:
"Wuxuu ahaa thiqqah\‫ ثقة‬hadalkiisa lagu kalsoon yahay runnimadiisa oo la aaminay,
Xadiithkiisuna badnaa, caalin caabid ah ahaa, uusanna Ehelu Baytka\‫ أهل البيت‬mid isaga la mid
uusan ku jirin (isaga waqtigiisa), wuxuuna ahaa midka markuu weyseysto uu midabkiisu hurdi
(sida liinta dhanaan markay bislaato midabkeeda oo kale) noqon jiray, markaasuu markuu
Salaadda u istaago cabsi ayuu la jarayn jiray. Markaasaa la weydiiyay sababta uu cabsi ula
gariiro marku Salaadda u istaago, wuxuuna yiri:
"Ma ogsoontihiin Axadka aan hortiisa istaagayo oo aan la faqayo?"
Maalin iyo habeen walbana wuxuu tukan jiray kun Rakcadood. Wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo
sadaqo badan, gaar ahaan habeenkii. Markuu gurigiisa ka baxana wuxuu oran jiray:
"llaahayow, waxaan maanta cirdigeyga\‫( عرض‬Cirdi‫عرض‬, oo daadka saadka ku xigah lagu
dhigo waxaa la yiraahdaa sharafta qofka iyo meesha ka danqata marka isaga ama qofka
reerkiisa wax u dhimaya lagu tilmaamo) ku sadaqaystay oo aan u hibeeyey qof kasta oo i
xanta".
Zaynu Al Caabidiina\‫ زين العابدين‬wuxuu dhashay sanadka saddex iyo soddon ee Hijrada,
waxaana la oofsaday sanadka afar iyo sagaashan, taariikho kalena waa la sheegay,waxaana
lagu duugay qabriga adeerkiis ee Al Baqiic\‫ البقيع‬ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬,
siduu Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬u wariyay.
Masjidkiisa magaalada Dimishiqna\‫ دمشق‬waa la yaqaannaa, waana midka la yiraahdo
Mash-hadu Caliyyi Zaynu Al Caabidiina\‫ مشهد علي زين العابدين‬wuxuu Xadiithka ka wariyay
aabihiis Al Xusaynu bin Calii bin Abii Dhaalib‫ الحسين بن علي بن أبي طالب‬, Calayhissalaatu wa
Al ssalaamu.
Al Xusaynu‫ الحسين‬waa Sibdhiga\‫ السبط‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
isagaana dadka oo idil awoowihiis Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu
ekaan badnaa, siduu u yiri Anas bin Maalik\‫أنس بن مالك‬, Allaha raalli ka noqdee, uuna u
wariyay Bukhaarii\‫البخاري‬.
294
Al Xusaynu‫ الحسين‬, Calayhissalaatu wa Al Ssalaamu, dulmi iyo gardarro iyo cadawtinnimo
ayaa lagu dilay maalinta Caashuuraa'\‫عاشوراء‬, oo ah maalinta tobanaad ee bisha
Muxarram\‫ محرم‬ee sanadka Islaamka ugu horreysa ee sanadka kow iyo lixdan Hijriga, laguna
dilay meesha la yiraahdo Karbalaa'\‫ كربالء‬ee ku taalla dalka Ciraaq\‫عراق‬. Jirkiisa waxaa lagu
duugay barta, lagu dilay, madixiisana, siduu u wariyay Al Zubayr ibnu Al Bakkaar ‫الزبير إبن‬
\‫ البكار‬caalinka nasabtirinta ku xeel dheer, lehna kitaabka la yiraahdo Jamharatu Nasabu
Qurayshinwa akhbaarahaa\‫ جمهرة نسب قريش وأخبارها‬, waxaa loo soo qaaday Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬oo lagu duugay.
Ibnu Daxyah\‫ إبن دحية‬wuxuu yiri:
“Warkaas mid ka saxsan ma jiro".
Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬, oo Masri\‫ مصري‬ahaa, wuxuu ku leeyahay kitaabkiisaan aan warkaan
kasoo qaadannay:
"Misriyiinta qaarkood waxay yiraahdeen Al Xusayn ‫ الحسين‬madixiisu wuxuu ku duugan yahay
Al Mash-hadu Al Xusaynii\‫ المشهد الحسيني‬ee ku yaalla Qaahirah\‫القاهرة‬.
Qaarkoodna warkaas way beeniyeen, siduu u yiri Al Xaafith (Ibnu Xajar))‫ الحافظ )(إبن حجر‬siduu
uga soo guuriyay Al Sakhaawii\‫"السخاوي‬.
Ibnu Taymiyyah-na\‫ إبن تيمية‬wuxuu yiri:
"Culummada dhammaantood waxay isku waafaqeen inuu Al Mash-hadu-ga\‫المشهد‬
Qaahirah\‫ القاهرة‬ku yaalla lana yiraahdo Mash-hadu Al Xusayn\‫ المشهد الحسيني‬uu baadhil yahay,
aanna wax ka jirin, uusanna madixiisu ku jirin iyo wax isaga ka mid ah toona, ee la sameeyey
markay Masar\‫ مصر‬ka jirtay Dawladda Banii Cubayd al Qadaax\‫بني عبيد القداح‬, Boqorrada
Masar\‫ مصر‬ee sheegan jiray inay yihiin dhasha Faadhimah\‫فاطمة‬, (Calayhassalaatu
Wassalaamu).
Culummaduna waxay leedahay: kuwaasi Faadhimah‫ فاطمة‬nasab lama ay laha, oo kuma
abtirsadaan. Mashhadkaasna\‫ المشهد‬waxaa dhisay qarniga shan boqolaad ee Hijrada Dhalaa'icu
Ibnu Ruzayyik\‫ طالئع إبن الرزيك‬oo raafidii\‫ رافضي‬shiico ah ahaa, kaasoo magaalada
Casqalaan\‫ عسقالن‬ee arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku taalla kasoo raray madaxaas, kuna andacooday
inuu ku jiray Mash-had\‫( مشهد‬oo ah qabri daar laga kor dhisay) magaaladaas ku yaalla, taasoo
aan waxba ka iirin, ayadoo reer Banii Umayyah\‫بني أمية‬, ayagoo muujiyay dil iyo layn ay
laynayaan iyo cadawtinnimo (ay reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬u qabaan), waa lama filaan inay
madaxaas u dhisaan dhismo lagu soo booqdo".
Intaas waxaa ku eg hadalka Ibnu Taymiyyah\‫إبن تيمية‬.
Al Xusaynu‫ الحسين‬wuxuu ka wariyay aabihiis, oo ah Zaynu Al Caabidiina‫ زين العابدين‬oo ka
wariyay awoowihiis Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬, Ilaahay wajigiisa ha
karaameeyee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"كنت نورا بين يدي ربي قبل خلق آدم بأربعة عشر ألف عام‬
"Kuntu nuuran bayna Yadayya Rabbii qabla khalqi Aadama bi arbacata cashra alfi
caamin."
295
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ahaa nuur ah labada Gacnood oo Rabbigay dhexdooda, oo macneheedu yahay aad
ayaan ugu dhowaa oo hortiisa ayaan ahaa, ka hor intaan Aadan ‫ دم‬la abuurin afar iyo toban kun
oo sano."
Xadiithkaan burin mayo oo diidi mayo midka kale oo nasoo maray oo oranaya inuu nuurkiisu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuurnaa. shay'kasta hortood, uuna Ilaahay khalqiga
maqaadiirtiisa qadaray ka hor intaan la abuurin Samaawaadka iyo arliga konton kun oo sano,
maxaa yeelay nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la abuuray ash'yaa'da oo idil
hortood, markaasuu ku wareegayey qudradda Ilaahay oo uu marayey meeshuu doono;
kaddibna waxaa lagu dhigay Al Lawxu Al Maxfuuthu\‫ ;اللوح المحفوظ‬kaddibna suuraddiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa loo yeelay jirmi gaar u ah oo nuurkaas, ka samaysan.
Marka, ayadoo ay tacbiirta, oo ah ku tilmaamidda inuu ahaa labad Gacnood ee Rabbi
dhexdooda, taasoo tilmaameysa u dhowaansho zaa'id ah, kan mudadaas la qadaray waa
martabad u ahaatay, oo uusan intii ka horreysey lahayn."
Xadiithka Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ee Quraysh\‫قريش‬
Wuxuu Muxammad. bin Cumar Al Cadanii\‫محمد بن عمر العدني‬, oo ah Sheekha Imaam Muslim
\‫اإلمام مسلم‬, Musnadkiisa\‫ المسند‬Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬uga wariyay:
‫ يسبح ذلك النور وتسبح المالئطة‬،‫"أن قريشا كانت نورا بين يدي هللا قبل أن يخلق آدم بألفي عام‬
".‫بتسبيحه‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Inay Quraysh\‫قريش‬, oo ah midda lagu liibaaniyay Islaamka ay ahayd nuur ku sugan labada
Gacnood ee Ilaahay dhexdooda ka hor intaan la abuurin Aadan\‫ آدم‬laba kun oo sano, ayadoo uu
nuurkaasi Subxaanalleysanayo\‫سبحان هللا‬, Malaa'igtuna ay tasbiixdiisa ayaguna markaas ku
tasbiixsaneyso (oo ah inay markay Qurayshi\‫ قريش‬tiraahdo Subxaana Allaahi‫ سبحان هللا‬ayay
Malaa'igtuna Subxaana Allaahi‫ سبحان هللا‬ka daba leedahay)".
Ibnu Al Qadh-dhaan\‫ إبن قطان‬wuxuu yiri:
"Xadiithkaan iyo Xadiithka Calii\‫علي‬, oo, hadda nasoo maray, waxaa loo mideynayaa ayadoo
uu nuurka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jirmi loo yeelay laba iyo toban kun oo
sano abuuritaanka Aadan‫ آدم‬ka hor, kaddibna Quraysh\‫ قريش‬inteeda kale lagu daray,
tasbiixdana lagu dhawaajiyay, oo ay tasbiixsadeen."
Xadiithka Al Tarmathii\‫ الترمذي‬ee Aadan‫آدم‬
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu wariyay Xadiithkaan Aadan‫ آدم‬ku saabsan, inuu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
296
‫ ثم رفعه‬،‫ فيغلب على سائر نوره‬،‫"لما خلق هللا تعالى آدم جعل ذلك النور في ظهره فكان يلمع في جبينه‬
‫هللا تعالى على سرير مملكته وحمله على أكتاف مالئكته وأمرهم فطافوا به في السموات ليرى عجائب‬
".‫ملكوته‬
"Lammaa khalaqa Allaahu Aadama jacala thaalika al nnuura fii thahrihi fa kaana
yalmacu fii jabiinihi fa yaghlibu calaa saa'ira nuurihi, thumma rafacahu Allaahu
Tacaalaa calaa sariiri mamlikatihi wa xamalahu calaa aknaafi malaa'ikatihi wa
amarahum fa dhaafuu bihi fii Al Ssamaawaati li yaraa cajaa'iba Malakuutihi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬markuu Aadan\‫ أدم‬abuuray wuxuu nuurkaas ku kaydiyay -waana
nuurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-dhabarkiisa. Markaasuu wuxuu
nuurkaasi ahaa, xooggiisa daraadiis, midka ka hillaaca oo ka kaaha wajigiisa. Markaasuu
nuurkaasu ka xoog batay oo ka iftiin batay nuurka kale ee jirka Aadan, ama nuurarka kaleba oo
uu Ilaahay ku abuuray Aadan\‫ أدم‬ghayrkiis, sida nuurka Anbiyada kale oo idil. Kaddibna
Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬kor ayuu ugu qaaday sariirta Boqortooyadiisa, wuxuuna ku qaaday
garbaha Malaa'igtiisa, uuna amray, markaasey kula soo dawaafeen Samaawaatka, si uu u arko
cajaaibka Boqortooyadiisa."
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu kaloo wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
‫"لما أكمل هللا خلق آدم رفعه على أكناف جبريل وميكائيل وإسرافيل وعزرائيل على سرير من ذهب أو‬
‫" ثم أمرهم أن يحولوا‬.‫ "طوفوا به في السموات ليرى عجائبها‬:‫ فقال‬،‫ياقوت أحمر له تسع مئأة قائمة‬
".‫ ولذلك يحمل جنازة أوالده أربعة‬،‫ ففعلوا‬.‫وجوههم إلى العرش ليسجدوا قبالته‬
"Lammaa akmala Allaahu khalqa Aadama rafacahu calaa aknaafi Jibriila wa
Miikaa'iila wa Israafiila wa Cazraa'iila calaa sariirin min thahabin aw yaaquutin axmara
lahu tisca mi'atin qaa'imatin, fa qaala: "Dhuufuu bihi fii Samaawaatii li yaraa
cajaa'ibahaa. Thumma amarahum an yuxawwiluu wujuuhahum ilaa Al Carshi li
yasjuduu qibaalatahu. Fa facaluu, wa li thaalika yaxmilu janaazata awlaadihi arbacatun.
" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu Ilaahay kaamilay abuuridda Aadan‫ آدم‬ayuu ku kaydiyay nuurkaas, oo ah nuurka
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhabarkiisa, oo ah dhabarka Aadan ‫ آدم‬.
Markaasuu nuurkaasu xoogga iftiinkiisa ka hillaacayey wajigiisa, oo uu markaas ka xoog batay
inta kale oo nuurarkiisa ah, ha ahaado nuurka Aadan‫ آدم‬oo jirkiisa ku sugnaa, ama nuurarka
kale oo idil oo Aadan‫ آدم‬ghayrkiis lagu abuuray, sida nuurarka Anbiyadoo kale. Markaasuu
markuu kaamilay abuuridda Aadan wuxuu ku qaaday Jibriil‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil‫ ميكائيل‬iyo
lsraafiil‫ إسرافيل‬iyo Cazraa'iil‫عزرائيل‬, isagoo saaran sariir dahab laga sameeyey ama yaaquut
guduudan oo sagaal boqol oo lugood leh. Markaasuu wuxuu yiri:
"Kusoo dawaafiya, oo soo mariya, Samaawaatkeyga, si uu cajaa'ibteeda iyo la yaabkeeda ku
dhex suganba usoo arko."
297
Kaddibna wuxuu amray inay wajiyadooda u jeediyaan xagga Carshiga, oo ay xaggiisa u
sujuudaan. Markaasey yeeleen. Taas ayaana u sabab ah in janaazada dhashiisa ay afar qof
qaadaan."
Sariirtaas uu Aadan\‫ آدم‬saarnaa waxay ayagu (waa Malaa’igtee) dhexdooda ku magaaci jireen
"Sariirta Boqortooyada".
Caalinka Xadiithka sharxayna wuxuu yiri:
"Kor u qaadiddu waa sarbeeb uu macnihiisu yahay oo tilmaameysa sarreynta makaanka sare
loogu qaaday iyo waynaantiisaba, oo markaasuu wuxuu xaaladdiisa uu ahaa ka dhigay sida
xaaladda qof sariir korkeeda ahaaday, oo markaas lagula soo dawaafay jihooyin aan la
caddayn. Marka asalku waa xaqiiqada".
Kaddibna wuxuu ku qaaday garbaha Malaa'igtiisa, Malaa'igtiisa ayuuna amray markaasey kula
soo dawaafeen Samaawaatkiisa, si uu Adan‫ آدم‬u arko la yaabka iyo waynaanta
Boqortooyadiisa."
Kacb Al Axbaar\‫ كعب األحبار‬ayaa la weydiiyay:
"Intee goor ayay Malaa'igtu Aadan‫ آدم‬Samaawaatka kula soo dhawaaftay?"
Wuxuu yiri:
"Saddex goor, oo marka ugu horreysana wuxuu saarnaa sariirta ah "Sariiru Al Karami ‫سرير‬
\‫( "الكرام‬oo ah sariirta karaamada ama karaameynta), marka labaadna isagoo saaran baalasha
Malaa'igta, marka saddexaadna isagoo saaran faraska la yiraahdo Al Farasu Al
Maymuunu\‫الفرس الميمون‬, oo ka sameysan miskiga noociisu yahay Al Misku Al Athfaru ‫المسك‬
\‫األذفر‬, lehna labo baal oo ka sameysan luul iyo murjaan, ayadoo uu Jibriil\‫ جبريل‬hoggaankeeda
hayo, Miikaa'iilna\‫ ميكائيل‬uu xagga midigta ka yahay, Israafiilna\‫ إسرافيل‬xagga bidixda.
Markaasey kula soo dhawaafeen Samaawaadka oo idil, isagoo isaguna salaamaya Malaa'igta
ka ahaata xagga midigta iyo kuwa ka ahaada xagga bidixdiisa, uuna leeyahay:
"Al Ssalaamu Calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuhu\‫"السالم عليكم ورحمة هللا وبركاته‬, ay
ayaguna intaasoo kale ugu jawaabayaan. Markaasaa waxaa Aadan‫ آدم‬lagu yiri:
".‫"هذه تحيتك وتحيت ذريتك إلى يوم القيامة‬
"Haathihi taxiyyatuka wa taxiyyatu thurriyataka ilaa Yawmu Al Qiyaamati",
oo macneheedu yahay:
"Tani waa salaantaada iyo salaanta dhashaada ilaa Yawmul Qiyaamaha".
Ruuxa iyo ku sugnaantiisa jirka Aadan‫آدم‬
Jacfar bin Muxammad\‫ جعفر بن محمد‬wuxuu yiri:
‫ ثم علمه هللا تعالى‬،‫ وفي صدره مائة عام وفي ساقيه مائة عام‬،‫"مكث الروح في رأس آدم مأئة عام‬
.‫ فطرده هللا تعالى وأبعده وخزاه‬،‫ ثم أمر المالئكة بالسجود له فسجدوا إلى إبليس‬،‫أسماء جميع المخلوقات‬
298
،‫ فالمسجود له في الحقيقة هو هللا تعالى‬،‫ كسجود أخوة يوسف له‬،‫ ال سجود عبادة‬،‫وكان السجود ألدم سجود تعظيم وتحية‬
".‫وآدم كالقبلة‬
"Ruuxu wuxuu ku sugnaa madaxa Aadan‫ آدم‬boqol sano, oo ah inta laabta ka korreysa,
laabtiisana wuxuu ku sugnaa boqol sano, oo ah inta lugaha ka korreysa; labadiisa lugoodna
wuxuu ku sugnaa boqol sano, oo ah inta laabta ka hooseysa oo ay calooshu ka mid tahay".
Muraadka laga leeyahay tirooyinkaas waa badin zamankaas iyo mudadiisa la badinayo, tanoo
aan diideyn in mudada u dhexeysa bilowga abuuriddiisa ilaa usoo degiddiisa arligaan ay tahay
saddex boqol iyo sideetan sano."
Sidaasoo kale waxaa isaguna yiri ibnu Jariir\‫إبن جرير‬, oo mudadaas afar bilood ka dhimay. Ibnu
Jariir‫ إبن جرير‬ghayrkiisna waxay yiraahdeen:
"Mudadu intaas wax badan ayay ka badantahay."
Shiikhuna wuxuu isku kallifay inuu helo wax is waafajiya tirada uu sheegay iyo midda uu
Jacfar‫ جعفر‬sheegay, wuxuuna yiri:
"Tiradaasi waxay ku saleysan tahay in mudada uu Adan‫ آدم‬dhoobo ahaa ay ahayd intuusan
Jannada gelin ka hor, ama in laga soo saaray Jannada maalinta ku xigta marka abuuriddiisa
dhexdeeda lagu bilaabay, abuuriddiisuna ayan kaamilimin muddo dheer kaddib mooyee.
Waxaana jirta inuusan Jacfar‫ جعفر‬qabin aragtida Ibnu Jariir\‫إبن جرير‬, uusanna taas raalli ku
ahayn, ayadoo uu Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬yiri:
".‫"مكث في الجنة خمسمائة عام‬
"Wuxuu Adan‫ آدم‬Jannada dhexdeeda ku sugnaaday shan boqol oo sano."
Waxaa kaloo, la yiri:
"Intaasoo kale, waa shan boqol oo sanee, ayay Malaa’igtu sujuuddooda ku sugnaayeen, ka
badanna waa la yiri."
Sidaas ayay u jiraan aragtiyo kala duwan, waxaana habboon in midkood la raajixiyo, mase ay
habboona in lagu madax adkaado in aragtiyadaas la mideeyo oo xagga caqliga laga banneeyo."
Sida Aadan‫ آدم‬magacda loo baray
Jacfar bin Muxammad‫ جعفر بن محمد‬wuxuu yiri:
"Kaddib Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu baray magacda dhammaan waxa makhluuqaadka ah
oo la abuuray."
Sideebuu Ilaahay u baray? Waxaa la yiri: wuu ku ilhaamiyay, ama Aadan ‫ آدم‬dhexdiisuu
cilmiga lagama maarmaanka ah ku abuuray, ama caqligiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ganay,
ama Malaa’ig loo xilsaaray ayaa bartay.
Imaam Al Qurdhubii\‫ اإلمام القرطبي‬wuxuu yiri:
"waxaa baray Jibriil."
299
Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu Tafsiirkiisa uga wariyay ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬inuu hadalka Ilaahay oo
ku xusan Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\‫ سورة البقرة‬oo ah:
‫اء ُكلَّهَا‬
َ ‫َو َعلَّ َم آ‬
ْ ‫َد َم ْاْل‬
َ ‫َس َم‬
"Wa callama Aadama al asmaa'a kullahaa(31)"
oo macneheedu yahay
"Wuxuuna baray Aadan‫ آدم‬magacyada dhammaan(31)" ka yiri: "
Wuxuu baray shay walba kulligiis xattaa xeerada ama baaquliga iyo dhuusada."
Malaa'igta sujuudda lagu amray
Kaddib Ilaahay wuxuu amray Malaa'igta inay u sujuudaan. Malaa'igtaasi, sida uu eraygu mid
guud u yahay, waa dhammaantood, ayadoo aan midkoodna lagu gooni yeelin. Ama waa
Malaa'igta arliga, ama waa Ibliis iyo inta Malaa'igta ah oo isaga kala qayb gashay la
dagaallanka Jinniga, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬markii hore ayaga arligaan dejiyay,
markaasey dhexdiisa fasaad ka rideen. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu u diray
ciidan Malaa'ig ah oo uu Ibliis hoggaaminayo. Markaasey laayeen oo ay Jasiiradaha iyo
buuraha dushooda ku takooreen intoodii ka hartay.
Malaa'igtana waxaa la amray inay u sujuudaan Aadan‫ آدم‬kaddib markuu Ilaahay cilmiga
siiyay. Markaasuu Malaa'igta weydiiyay, markay aqoon weydeyna uu isagu magacda shay
walba sheegay, oo Ilaahay sidaas kusoo saaray deeqda uu Malaa’igta dheer yahay, ayna ayaga
waajib ku noqotay korkooda inay isaga u adeegaan, taasoo uu ku mutaystay cilmiga uu dheer
yahay.
Sidaas ayayna Aayadaha Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬. u kala hormarinayaa dhacdooyinkaas.
Waxaa kaloo la yiri: waxayba u sujuudeen horeba marka Aadan ‫ آدم‬ruuxa lagu afuufay, siday u
muuqato Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri \‫سورة الحجر‬. Imaamka dhigay
kitaabka Siirada ah ee la yiraahdo Taariikhu Al Khamiisi\‫ تاريخ الخميس‬iyo ibnu Caqiil\‫عقيل‬
waxay yiraahdeen fa'da ku jirta Aayadda ee faqacuu\‫ فقعوا‬waaba daba marin iyo dib u dhigid
muddo kaddib, kaddib marka ruuxa lagu afuufay. "
Markaasey sujuudeen intaan Ibliis ka ahayn oo diiday. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa ‫هللا تعالى‬
Naxariistiisa ka eryay, kana fogeeyey Jannadiisa, taasoo ah dullayn adduun iyo Aakhiraba,
kaddib markuu ka mid ahaa koox Malaa’ig ah oo la yiraahdo Al Jinnu\‫الجن‬, sida laga wariyay
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬iyo Ibnu Mascuud\‫ إبن مسعود‬iyo ghayrkoodba.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu sheegay inuu Jamhuurku\‫( الجمهور‬waana culummada intooda
badane) ay sidaas qabaan,
300
Al Nawawina\‫ النووي‬uu saxiix ka dhigay inaan la warin in ayaga ghayrkooda la amray inay
sujuudaan, oo soociddaas laga reebay Ibliis inay sujuudeen isaga mooyee, waa Malaa'igtaas
sujuudda la amray.
Qaalli Cayaadna\‫ القاضي عياض‬wuxuu yiri:
"Culummada intooda badani waxay leeyihiin inuusan Ibliis il biriqsina Malaa'igta uga mid
noqon, uuna isagu yahay asalka ay Jinnigu ka farcameen, sida uu insigu Aadan \‫ آدم‬uga
farcamay oo kale, uuse ka mid ahaa jinniga ay Malaa’igtu ka adkaatay oo ay laysay, oo uu
markaas Malag isaga soo qafaalay isagoo yar, oo uu Samada la aaday."
Sidaas ayuuna Al Sayyuudhii\‫ السيوطي‬raajixay, in Malaa'igta oo idil la amray, oo ay wada
sujuudeen, sida ay Axaadiithtu kusoo aroortay."
Hadalka Al Nawawii\‫ النووي‬oo ah inaan la warin in ghayrkood sujuudda la amrayna waxaa
diiday warinta ibnu Caqiil\‫ إبن عقيل‬oo, Tafsiirkiisa ku diiday iyo Taariikhu Al Khamiisi ‫تاريخ‬
\‫ الخميس‬oo wariyay in Malaa’igta iyo caalanka oo idil markaas la amray, laakiinse hadalka
amarka ah ayaga Malaa'igta ah loo jeediyay, oo lagu gooni yeelay, ayagoo waqtigaas khalqiga
ugu sharaf badnaa, inta kalena ay ayaga raacsan yihiin."
Sujuudda
Waxaa la isku khilaafay sida ay Malaa'igtu u sujuudeen, intooda badanna waxay yiraahdeen:
waa amar Malaa'igta lagu amray inay wajiyadooda dhulka dhigaan, sida sujuuddeenna
markaan tukaneynno Salaadda, oo af ahaan iyo sharci ahaanba taas ayaa sujuud la yiraahdaa,
sidayna u tilmaameyso Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
ِ ِ ‫" فَقَعوا لَه س‬
)51( ‫ين‬
َ ‫اجد‬
َ ُ ُ
"Fa qacuu lahu saajidiina(29)" oo macneheedu yahay: "Ugu dhaca sujuud(29)".
Waxaa kaloo Ubayya\‫ أبي‬iyo ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inay sujuuddaasu ahayd Al
Inxinaa’u\‫ اإلنحناء‬oo ah dhabarka oo hore loo soo laabo, ayanse ahayn ayadoo dhulka lagu
sujuudo, sida la yeelo marka madaxda waaweyn lala kulmo oo dhabarka hore loo soo laabo.
Qolana waxay tiri inay sujuuddaasi tahay is dullayn iyo hoggaansan, ayadoo uu Ilaahay
Malaa'igta Aadan\‫ آدم‬iyo dhashiisa ugu sakharay soo dejinta iyo soo di'inta roobka iyo ilaalinta
raadkooda iyo dhigidda acmaashooda iyo la koriddeeda ayagoo sida Samada. Sujuudda ay
Aadan‫ آدم‬u sujuudeenna waxay ahayd sujuud waynayn iyo salaamid iyo muujin deeqdiisa iyo u
hoggaansanaan iyo adeecid amarka Ilaahay, mana ayan ahayn sujuudid cibaado iyo addoonsi,
ayadoo, ayan cibaado u sugnaan Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬mooyee, lana mid ah sujuudday ay
Yuusuf\‫ يوسف‬walaalihiis isaga laftiisa u sujuudeen. Kan loo sujuudayaana run ahaantana waa
Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬, Aadanna‫ آدم‬waa Qiblada oo kale, sida markaan tukaneynno aan
Kacbada Qibladeenna ah ugu jeesanno, laakiinse aan Ilaahay u sujuudeynno.
301
Qataadana\‫ قتادة‬wuxuu yiri:
"Sujuuddaasi waxay ahayd khidmo ama adeegid Ilaahay iyo xurmayn Aadan ‫ آدم‬la
xurmeynayo, sida Salaadda Janaazada oo kale ay cibaado Ilaahay u tahay, isla markaasna duco
maytka loo ducaynayo."
Al Xasan\‫ الحسن‬wuxuu yiri:
"Sax waxaa ah inay sujuuddaasi salaan Aadan‫ آدم‬gooni ahaan loo salaamayay, oo hadday
cibaado Ilaahay ahaan lahayd, Aadanna‫ آدم‬uu Qiblo ahaan lahaa, Ibliis iskalama kibreen oo
iskalama weynaadeen."
Aragtidaasna waa fiiro loogu noqdaa, oo Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu sheegay in la isku
waafaqsanyahay inayan sujuudid cibaadeysi ahayn, taasoo mamnuuc ah (in Aadan ‫آدم‬
cibaadeysi loogu sujuudo), oo isla weynaantiisa uu Ibliis sujuudidda ka kibray oo uu iskala
weynaaday waxaa weeye inuusan isagu Qiblo ahayn, malayn uu u malaynayo inuu Aadan ‫آدم‬
iyo ghayrkiisba uu wax dheer yahay oo ka sarreeyo."
Al Shacbiyyuna\‫ الشعبي‬wuxuu yiri:
"Hadalka Ilaahay oo ku. xusan Aayadda afar iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah \‫سورة البقرة‬
oo ah:
‫اس ُج ُدوا ِِلَ َد َم‬
ْ
"Usjuduu li Aadama(34)"
oo macneheedu yahay:
"U sujuuda Aadan(34)" macneheedu waxaa weeye sida loo yiraahdo "wuxuu u tukaday
Qiblada" waxaa diidaya in la yiraahdo "Qiblada xaggeeda ayuu u tukaday", ee ayada lafteeda
uma tukan, oo waa Sallaa ilaa al Qiblati ee ma aha Sallaa lahaa."
Waxaa laga wariyay Jacfar Al Saadiqu\‫ جعفر الصادق‬ahna ibnu Muxammad Al Baaqir bin Cali
bin Al Xusayn bin Calii bin Abii Dhaalib ‫إبن محمد الباقر بن علي بن الحسين بن علي بن أبي‬
\‫طالب‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee, koofaartaasna loogu bixiyay runlownimadiisa,
kana mid ahaa madaxda Ahlu Al Baytka\‫ أهل البيت‬ee waqtigiisa, dhashayna sanadka Hijriga ee
sideetan ama saddex iyo sideetan, la oofsadayna sanadka boqol iyo sideed iyo afartan, una
dhigay Ehelu Baytka‫ أهل البيت‬kitaab harag lagu dhigay oo ay ku dhigan yihiin waxay
cilmigiisa, uga baahnaayeen, iyo waxa ahaan doona ilaa Yawmul Qiyaamaha, inuu yiri:
".‫ ثم المالئكة المقربون‬،‫"كان أول من سجد آلدم جبريل ثم ميكائيل ثم إسرافيل ثم عزرائيل‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu ahaa kan ugu horreeya oo Aadan‫ آدم‬u sujuuday Jibriil‫ جبريل‬, kaddibna Mikaa'iil\‫ميكائيل‬,
kaddibna Israafiil\‫إسرافيل‬, waxaana ku xigay Cazraa'iil\‫( عزرائيل‬oo ah Malakul Mawtka\‫ملك الموت‬
302
qabta arwaaxda oo idil kuwa Jinniga iyo Insiga iyo bahaa'inta xoolaha ah iyo makhluuqaatka
oo idil) kaddibna malaa’igta la yiraahdo Al Muqarrabuuna\‫"المقربون‬.
Malaku Al Mawti\‫ملك الموت‬
Malakul Mawtku\‫ ملك الموت‬waa Malagga qabta, arwaaxda oo idil kuwa Jinniga iyo Insiga iyo
bahaa'inta xoolaha ah iyo makhluuqaatka oo idil.
Nin baa wuxuu Imaam Maalik\‫ األمام مالك‬weydiiyay:
"Xasharaadtka ruuxooda ma waxaa qabtah Malakul Mawtka\‫"? ملك الموت‬
Markaasuu Imaam Maalik\‫ األمام مالك‬cabbaar aamusnaa oo uu fakarayey, kaddibna wuxuu yiri:
"Naf ma leeyihiin?"
Wuxuu ninkii yiri:
"Haa" Imaam Maalik\‫ األمام مالك‬wuxuu markaas yiri:
Hadaba Malaku al Mawti\‫ ملك الموت‬ayaa ruuxooda qabanaya, oo nafta ka qaadaya. Ilaahay
ayaana oofsada nafta markay dhimaneyso".
Imaam Maalik\‫ األمام مالك‬wuxuu daliil ka dhigtay Aayadda labo iyo afartanaad ee Suuratu Al
Zumar\‫ سورة الزمر‬oo oraneysa:
ِ
َّ
‫ين َم ْوتِهَا‬
َ ‫اللهُ َيتََوفَّى ْاْل َْنفُ َس ح‬
"Allaahu yatawaffaa al anfusa xiina mawtihaa(42)",
oo, macneheedu yahay:
"Ilaahay ayaa oofsada nafta markay dhimaneyso(42)".
Waxaa wariyay Al Khadhiibu\‫الخطيب‬, waxaana ayyida Xadiithka kale oo ay wariyeen Al
Dhabraanii\‫ الطبران‬iyo Ibnu Mandah\‫ إبن منده‬iyo abuu Nucaym\‫أبونعيم‬, oo oranaya inuu Malag
Cazraa'iil\‫ عزرائيل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
”Wa Allaahi\‫ وهللا‬haddaan doonayo inaan qabto ruuxa kaneeco, ma karo jeer uu Ilaahay ithmo
qabashadeeda."
Qaybta kale ee Xadiithka Sujuudda
"Afartaas Malag kaddibna waxaa sujuuday Al Malaa'ikatu Al Muqarrabuuna\‫المالئكة المقربون‬, oo
ah Malaa'igta Ilaahay soo dhoweeyey".
Sidoo kale Wahab bin Munabbih\‫ وهب بن منبه‬wuxuu yiri:
"Kan ugu horreeyey oo Aadan\‫ آدم‬u sujuuda wuxuu ahaa Jibriil\‫جبريل‬, markaasuu Ilaahay ku
karaameeyey inuu Anbiyada Waxyiga usoo dejiyo, gaar ahaan Sayyidka Mursaliinta ‫سيد‬
\‫ المرسلين‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaa ku xigay oo Aadan‫ آدم‬u
sujuuday Miikkaa'iil\‫ميكائيل‬, kaddibna Israafiil\‫إسرافيل‬, kaddibna Cazraa'iil\‫عزرائيل‬, kaddibna
Malaa'igta intooda kale."
Waxaa laga wariyay Abii Al Xasan Al Naqqaash\‫ إبي الحسن النقاش‬inuu kan ugu horreeyey oo
sujuuda uu ahaa Israafiil\‫إسرافيل‬. Waxaa isaguna sidaas oo kale wariyay ibnu abii Xaatim ‫إبن أبي‬
303
\‫حاتم‬, oo ka wariyay Damrah\‫ ضمرة‬iyo Al Salafii\‫ السلفي‬oo ay wariyeen inuu Cumar bin Cabu Al
Caziiz\‫عمر بن عبد العزيز‬, Allaha raalli ka. noqdee, yiri:
"Taas daraadeed -oo ah inuu Israafiil\‫ إسرافيل‬ahaa midka ugu horreeya oo Aadan\‫ آدم‬u sujuudawuxuu Ilaahay abaal marin uga dhigay inuu ka adeego xagga Al Llawxu Al Maxfuuthu ‫اللوح‬
\‫"المحفوظ‬, oo ah inuu akhristo oo uu daalacdo waxa ku dhigan, uuna ku tasarrufo adeeggiisa,
isagoo tusaale ahaan waxa ku dhigan kasoo guuriya oo Malaa'igta u gudbiya."
Waxaa kaloo la yiri: "Markuu wajigiisa sujuudda kasoo qaaday, ayaa waxaa u muuqday
Quraanka oo idil oo wajigiisa ku dhigan, karaameyn lagu karaameynayo hormaridda uu fulinta
amarka Ilaahay u hormaray. Al Azraqii\‫ األزرقي‬wuxuu yiri:
"Riwaayaddaan inuu Israafiil\‫ إسرافيل‬ahaa midka ugu horreeyey oo sujuuday waxay khilaafsan
tahay midda laga wariyay Jacfar\‫ جعفر‬oo ah inuu Jibriil\‫ جبريل‬ahaa midka ugu hor sujuuday.
Sheekheenna ayaana is waafajiyoo yiri: ficil ahaan kan ugu horreeyey oo sujuuday wuxuu ahaa
Israafiil\‫ إسرافيل‬, kanse ugu horreeyey fulinta amarka Ilaahay wuxuu ahaa Jibriil\‫"جبريل‬,
wuxuuna yiri:
"Waxaa dhici karta in sababta ay mar u wada sujuudi waayeen inay tahay in kooda ugu hor
sujuuda uu ishaarada u garatay in isaga marka hore toos loola hadlayo". Labadaas
riwaayadoodna in la is waafajiyo hakad iyo fiiro ayaa ku jira.
Waxaa Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
".‫"كان السجود يوم الجمعة من وقت الزوال إلى العصر‬
Oo macnihiisu yahay:
"Inta Aadan loo sujuudsanaa waxay ahayd maalinta jimce laga bilaabo markay qorraxdu
beerka Samada ka iilatay ilaa casarka", waana inta mudadaas u dhigantah haddii maalmaha
adduunka loo fiiriyo, oo waxaan shaki ku jirin in Aadan\‫ آدم‬la abuuray saacadda ugu dambeysa
ee maalinta jimcaha ah, oo la mid ah kun sano ee adduunkaan."
Abuuridda Xaawo\‫حواء‬
Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬oo Xadiithkiisa sii wada wuxuu yiri:
".‫ وهو نائم‬،‫"ثم خلق هللا تعالى له حواء زوجته من ضلع من أضالعه اليسرى‬
Oo macneheedu yahay:
"Aadan kaddib wuxuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aadan\‫ آدم‬u abuuray haweentiisa Xawwaa'
\‫حواء‬, uuna ka abuuray feer ka mid ah feerihiisa saabkiisa bidix, isagoo hurda."
Taas macneheedu waxaa weeye: waxaa feertaas Xaawo\‫ حواء‬looga soo dhex saaray sida ay
lafta timirta marka la abuuro geed timireed uu uga soo baxo oo kale. Meesha ay feertaasi
Aadan‫ آدم‬uga tiilayna waxaa la geliyay hilib.
304
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Waxaa loo qaadan karaa inay taas macneheedu tahay in feer laga abuuray, oo feertuna way
qalloocan tahay, sidaas ayay ayaduna u qalloocan tahay."
Waxaa feertaas laga abuuray isagoo uu Adan‫ آدم‬hurdo, si uusan xanuun u dareemin;
xanuunkuna wuxuu ninka u dumaa oo uu jeceyl u geliyaa haweenta, siduu Al Qurdhubii\‫القرطبي‬
iyo ghayrkiisba ay yiraahdeen.
Xaawo\‫ حواء‬waxaa Xawwaa'\‫ حواء‬loogu bixiyay ayadoo qof nool laga abuuray, oo Xawwaa'
\‫ حواء‬macneheedu waa tii nooleyd.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu sheegay inuu ahaa Aadan‫ آدم‬midka magacaas u bixiyay, oo
markuu hurdada kasoo kacay oo uu arkay ayadoo madixiisa fadhida ayuu wuxuu weydiiyay:
”Yaad tahay?"
Waxay tiri:
"Haweentaada."
Wuxuu yiri:
”Oo maxaa laguu abuuray?"
Waxay tiri:
"Inaad igu xasishid, aniguna aan kugu xasilo".
Markaasey Malaa'igtu waxay dooneen inay Aadan‫ آدم‬cilmigiisa ku imtixaanaan, waxayna
yiraahdeen:
"Middaanna waa tuma?"
Wuxuu yiri: "Waa imra'ah\‫امرأة‬, oo ah waa haweeney".
Waxay yiraahdeen:
"Magaceeduna waa maxay?"
Wuxuu yiri:
"Xawwa '\‫حواء‬."
Waxay yiraahdeen:
"Oo maxaad imra’ah‫ امرأة‬u tiri?"
Wuxuu yiri:
"Maxaa yeelay waxaa laga soo qaatay oo abuuray imri'un\‫أمرأ‬, oo ah nin".
Waxay yiraahdeen:
"Maxaad Xawwaa'‫ حواء‬ugu bixisay?"
Wuxuu yiri:
"Maxaa yeelay waxaa laga abuuray qof nool. "
Kitaabka Fatxu Al Baarii bi sharxi Saxiixi Al Bukhaarii-na\‫ فتح الباري بشرح صحيح البخاري‬wuxuu
sheegay in Xawwaa'a‫ حواء‬, oo uu mad saaranyahay, loogu bixiyay ayadoo hooyada shay'
kulligiis ah.
"Markaasuu markuu hurdada kasoo kacay oo uu arkay ayuu xasilay, uuna degay, ayada
xaggeeduuna u iishay, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ku ilhaamiyay."
305
Meesha Xaawo‫ حواء‬lagu abuuray
Waxaa la isku khilaafay in Xaawo‫ حواء‬Jannada dhexdeeda lagu abuuray iyo in kale.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la abuuray ka hor intuusan Aadan\‫ آدم‬Jannada gelin, waxaana u daliil ah Aayadda shan
iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬, oo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ سبحانه وتعالى‬ku yiri:
َ‫ت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة‬
َ ‫َوُقْل َنا َيا آ‬
َ ‫اس ُك ْن أ َْن‬
ْ ‫َد ُم‬
"Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al Jannata(35)",
oo macneheedu yahay:
"Waxaanna niri: Aadanow\‫ آدم‬deg adiga iyo haweentaaduba Jannada(35)."
Sidaas ayaana Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬looga wariyay, sidaas ayuuna Al Sayyuudhii \‫ السيوطي‬ku
sugay kitaabkiisa Al Tawshiix\‫التوشيح‬.
Waxaa kaloo la yiri: bal waxaa lagu abuuray Jannada dhexdeeda, kaddib markuu Aadan \‫آدم‬
Jannada galay, ayadoo marka Jannada la dejiyay uu dhexdeeda ku socday isagoo cidlooday oo
wehel doon ah. Markaasuu markuu seexday ayada feertiisa gaaban laga abuuray ee saabkiisa
bidixeed, si uu ugu xasilo, uuna u weheshado.
Markaasuu markuu hurdada kasoo baraarugay arkay, uuna ku yiri:
"Yaad tahay?"
Waxay tiri:
"Haweeney laga abuuray feertaada, si aad iigu xasishid, aniguna aan kugu xasilo."
Sidaas waxaa yiri ibnu Cabbaas‫ إبن عباس‬iyo Ibnu Mascuud\‫ إبن مسعود‬iyo ghayrkoodba. oo
saxaabada ka mid ah, intaas ayayna kusoo koobeen Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬iyo Al Khaazin\‫الخازن‬.
Ibnu Cuqayl\‫ إبن عقيل‬wuxuu yiri:
"taas ayaa loo nisbeeyey mufassiriinta intooda badan, sidaas ayaana loo yiri: Ilaahay ku yiri
Aadan:
َ‫ت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة‬
َ ‫َوُقْل َنا َيا آ‬
َ ‫اس ُك ْن أ َْن‬
ْ ‫َد ُم‬
"Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al jannata",
oo macneheedu yahay:
"Waxaanna niri: "Aadanow‫ آدم‬deg adiga iyo haweentaaduba Jannada", kaddib markuu ayada
abuuray, ayagoo ay labadooduba Jannada ku dhex jiraan."
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu Ilaahay sidaas yiri ka hor intuusan Xaawo \‫ حواء‬abuurin, hadalkuna
wuxuu u socdaa ayada oo aan jirin, laakiin Cilmiga Ilaahay ku sugan.
306
Meherka Xaawo‫حواء‬: Salliga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
"Markaasuu xaggeeda gacanta u taagay -isagoo doonaya inuu la gogol galo, amaba uu ku
macaansado la gogolgelid la'aanba-, markaasey Malaa'igtu waxay tiri:
"Mah yaa Aadamu".‫""مه يا آدم‬, oo ah "ka joogso Aadanow\‫"آدم‬.
Wuxuu yiri:
"Maxaan uga joogsanayaa ayadooba uu ayada Ilaahay aniga ii abuuray?" taasoo uu Ilaahay u
ilhaamiyay, ama cilmiga lagama maarmaanka ah ah, ama uu ayadaba ka ogaaday markay u
sheegtay in isaga loo abuuray.
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Ka joogso, oo ha taaban jeer aad meherkeeda bixisid."
Wuxuu yiri:
"Meherkeeduna waa maxay?"
Waxay yiraahdeen:
"Waa inaad Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sallidaa saddex goor".
Waxaana halkaas ka cad inay Malaa'igtu arrinkaas ku ogaadeen ayadoo loo waxyooday.
Al Callaamah abuu Al Faraj Cabdu Al Raxmaan bin Cali, al xaafith, al Bakrii Al Siddiiqii ‫العالمة‬
\‫ البكري الصديقي‬،‫ الحافظ‬،‫ أبو الفرج عبد الرحمن بن علي‬oo ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, saaxiibkiisa ghaarka Abuu Bakar Al Siddii\‫ أبوبكر الصديق‬Allaha raalli ka
noqde, al Baghdaadii\‫البغدادي‬, al Xanbalii\‫الحنبلي‬, loona yaqaanno Ibnu Al Jawzii\‫إبن الجوزي‬, al
waacith\‫الواعظ‬, oo dhigay kutubbo, funuunta oo idil ku saabsan, waa qaybaha kala duwan ee
cilmiga Diintee,, oo uu al xaafith (ibnu Xajar Al Casqalaanii))‫ الحافظ (إبن حجر العسقالني‬kitaabkiisa
taariikhda uga yiri:
"ma ogi qof allafay oo dhigay wuxuu allafay oo kale, kana gaaray wacthinta waa waanintee
makaankuu ka gaaray, waxaana la yiri: majaalistiisa qaarkood waxaa kasoo qayb galay oo
yimid boqol kun oo qof, waxaana gole joog ka ahaa boqorro iyo waiziirro iyo Khulafaa',
wuxuuna isagoo minbarka saaran yiri:
"Waxaan farteyda ku dhigay kun mujallad", waxaana gacanteyda ku tawbad keenay boqol kun
oo nin, waxaana gacanteyda ku islaamay labaatan kun oo qof, wuxuuna dhintay maalin jimce
ah ee bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ay saddex tahay ee sanadka shan boqol iyo toddoba iyo
sagaashan. "
Waxaa Ibnu Al Jawziyyi\‫ إبن الجوزي‬loogu bixiyay oo loogu koofaaray ayadoo uu gurigooda
dhexdiisa geedka jawzku\‫ الجوز‬ku yiillay. Intaasuu warka Al Xaafith ibnu Xajar\‫الحافظ إبن حجر‬
ku egyahay.
Ibnu Al Jawziyyi-gaani\‫ إبن الجوزي‬ma aha midka boqol sano ka dambeeyey oo ahaa Shamsu
Al Diin abuu Cabdu Allaahi Muxammad bin Abii Bakar bin Ayyuub ibnu Sacad bin Xurayz Al
Zarciyyu\‫ شمس الدين أبو عبد هللا محمد بن أبي بكر بن أيوب إبن سعد بن كريز الزرعي‬oo loogu bixiyay isagoo
tuulada Zarc\‫ زرع‬ee Xawraan\‫ حوران‬ka tirsan ee dalka Suuriya\‫سورية‬, looguna bixiyay Ibnu Al
Jawziyyah\‫ إبن الجوزية‬isagoo loo nisbeeyey Dugsiga Dimishiq\‫ دمشق‬ku yiillay oo uu aasaasay
Muxii Al Diin abuu Al Maxaasin Yuusuf bin Cabdu Al Raxmaan bin Cali Al Jawzii ‫محي الدين‬
\‫أبومحسن يوسف بن عبد الرحمن بن علي الجوزي‬, loona yiqiinna Al Madarisatu Al Jawziyyah ‫المدرسة‬
\‫الجوزية‬, taasoo uu Ibnu Al Qayyim\‫ إبن القيم‬aabihiis madax ama agaasime ka ahaa, eraygaasoo
afka Carabiga Qayyim\‫ قيم‬lagu yiraahdo: marka ibnu Al Qayyim\‫ إبن القيم‬macneheedu waxaa
weeye wiilka uu agaasimuhu dhalay.
307
Ibnu Al Jawzii abuu al Faraj\‫ إبن الجوزي أبو الفرج‬wuxuu kitaabkiisa Sulwatu al Axzaani ‫سلوة‬
\‫ األحزان‬-oo macneheedu yahay "Daawada xuzniga ama calool xumida, murugta iyo tiiraanyada
qaadda", takhaatiirtuna waxay daawadaas u yaqaannaan -siduu Al Raazii\‫ الرازي‬Mukhtaaru Al
Sixaax\‫ مختار الصحاح‬ku yiri: "‫المفرح‬Al Mufarrixu oo ah kan faraxa geliya- ku yiri:
"Markuu Aadan\‫ آدم‬Xaawo\‫ حواء‬doonay oo uu dalbay, ayay ayaduna meher weydiisatay oo ay
ka dalbatay, ayadoo hadalka Malaa'igta maqashay, ama lagu ilhaamiyay, ama cilmi aqoontiisu
ay lagama maarmaan tahay u lahayd.
Markaasuu Aadan\‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Maxaan siiyaa?"
Markaasuu Ilaahay wuxuu ku yiri, isagoo u waxyooday ama toosba ugu yiri:
".‫"يا آدم صل على حبيبي محمد بن عبد هللا عشرين مرة‬
"Yaa Aadamu salli calaa Xabiibii Muxammad bin Cabdi Allaahi cishriina marratin"
oo macneheedu yahay:
"Meher ahaan u sii oo ku salli midkaan jeclahay Muxammad bin Cabdu Allaahi ‫محمد بن عبد‬
‫ هللا‬labaatan goor."
Waxaad mooddaa inuu Aadan‫ آدم‬Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬weydiistay caddayn dheeri ah,
kaddib markay Malaa'igtu ku tiri inuu saddex goor Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku salliyo, taasoo meherka Xaawo\‫ حواء‬ah.
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬weydiiyay wuxuu siiyo, tanoo aan diidayn waxay
Malaa’igtu ku tiri inuu siiyo. Ama isagaaba u gartay inay taasi Malaa'igtu ijtihaadkooda ku
gaareen oo uu markaas amarka. Ilaahay doonay. Tiro yar oo la sheegayna ma diideyso tiro ka
badan inay ahayd. Waxaaba kaloo dhici karta inuu hadalka Malaa'igtu ayaga ka yimid,
ujeedadiisuna ay tahay inuu Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬sidaas jacayl ku dhexmaro isku xira,
amarka llaahayna, oo ahaa labaatan salli uu ahaa markuu damcay inuu Xaawo \‫ حواء‬u
dhowaado sida warkaba ka muuqata.
Sidaas ayuu meherka Xaawo\‫ حواء‬wuxuu ahaa saddex iyo labaatan salli ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaa saxiix ah inuu salligu meher noqon karo, ayadoo
markuu Aadan‫( آدم‬ama. nin kastaba) salliga ku dhawaaqay isagoo meherkeeda ula dan leh,
ajarka salligaas waxaa iska leh Xaawo\‫حواء‬. Isla markaasna faaiidada salligaas isagana way u
sugnaaneysaa, ujeedada meherkuna ayaduu u noqonayaa oo u sugnaanayaa.
Markaassuu Aadan‫ آدم‬amarka la faray yeelay oo uu fuliyay, isagoo Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, saddex iyo labaatan goor ku salliyay.
Riwaayad kalena waxay leedahay:
308
"Markuu Aadan‫ آدم‬Xaawo\‫ حواء‬gacanta u taagay isagoo doonaya, ayay Malaa’igtu waxay tiri:
"\‫مه يا آدم‬Mah yaa Aadamu", oo ah "dib u joogso Aadanow‫ آدم‬, jeer aad nikaaxsatid".
Markaasuu Ilaahay ku nikaaxay, khudbana uu jeediyay oo uu yiri:
‫ أشهدوا يا مالئكتي وحمة عرشي وسكن‬.‫ والخلق كلهم عبيدي وإمائي‬،‫ والكبرياء ردائي‬،‫ والعظمة إزاري‬،‫"الحمد هلل‬
‫ يا آدم أسكن‬.‫ وصنيع يدي على صداق تقديسي وتسبيحي وتهليلي‬،‫ بديع قدرتي‬،‫سمواتي أني زوجت حواء أمتي عبدي آدم‬
".‫أنت وزوجك الجنة وكال منها رغدا حيث شئتما وال تقربا هذه الشجرة فتكونا من الظالمين‬
"Al Xamdu Lillaahi, wa Al Cathamatu izaarii, wa al Kibriyaa'u ridaa'ii, wa al khalqu
kulluhum cabiidii wa imaa'ii. Ash-haduu yaa Malaaikatii wa Xamalata Carshii wa
sukaanu Samaawaatii Annii zawwajtu Xawaa'a amatii cabdii Aadama, badiicu
qudhratii, wa saniicu yadii calaa sadaaqin Taqdiisii wa Tasbixii wa Tahliilii. Yaa
Aadamu askun anta wa zawjuka Al jannata wa kulaa minhaa raghadan xaythu
shi'tumaa wa laa taqrabaa haathihi al sh-shajarata fa takuunaa mina al th-thaalimiina",
oo macneheedu yahay:
"Al Xamdu Lillaahi‫ الحمد هلل‬, waynaantuna waa go'ayga, kibirkuna waa garba saarteyda,
khalqiguna kulligood waa addoommadeyda, rag iyo haweenba. Markhaati ka noqda
Malaa'igteydey, iyo Malaa’igta ah kuwa Carshiga Xambaarsanow iyo kuwa Samaawaatkeyga
degganow inaan addoonteyda Xaawo\‫ حواء‬u guuriyey addoonkeyga Aadan\‫آدم‬, meherkeeduna
uu yahay Taqdiisii‫ تقديسي‬oo ah weyneynteyda iyo dahiriddeyda, iyo Tasbiixdeyda‫تسبيحي‬
iyo inuu yiraahdo Laa ilaaha illaa Allaahu\‫الإله إال هللا‬. Aadanow‫ آدم‬deg adiga iyo haweentaaduba
Jannada, kana cuna xaggeeda cunno shifo iyo waasac ah meeshaad doontaan, hana u
dhowaanina geedkaan, oo aad markaas ka mid noqotaan thaalimiinta."
Riwaayaddaanna waxaa wariyay kitaabka Taariikhu Al Khamiisi\‫تاريخ الخميس‬. Runtana Rabbi
ayaa og.
Geedka laga reebay
Kaddib Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬u banneeyey nicmooyinka
Jannada, wuxuuna ku yiri: "Aadanow adiga iyo haweentaadu Jannada dega".
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Hadalkaas, Ilaahay wuxuu kaloo tilmaamayaa inay Jannada ka bixi doonaan, maxaa yeelay
degiddu milkin ma aha, ee muddo ayay soconeysaa, kaddibna way go'aysaa, oo sidaas ayay
geliddooda Jannadu waxay u ahayd gelid degideed ee ma ayan ahayn gelid thawaab \‫ ثواب‬iyo
ajar siin oo aan go'ayn ee waareysa."
Ibnu Cadhiyyah\‫ إبن عطية‬wuxuu yiri:
"digidda looga digayo inayan geedkaas u dhowaan oo lagu yiri:
" ‫ ال تقربا هذه الشجرة‬Laa taqrabaa haathihi al shajarata" waxay daliil u tahay inayan degidda
Jannada ku waareyn, ayadoo qofka ku waaraya aan waxba loo diidin, waxna lagu amrin, waxna
laga reebin."
309
Markaasuu Ilaahay ka reebay geedka la yiraahdo Al Xindhatu\‫الحنطة‬, ahna geedka mirihiisa
burka laga sameeyo, siday yiraahdeen Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬iyo Al Xasan\‫ الحسن‬iyo
Cadhiyyah\‫ عطية‬iyo Qataadah\‫ قتادة‬iyo Al Qurathii\‫ القرظي‬iyo Muxaarib\‫ محارب‬iyo Muqaatil
\‫مقاتل‬.
Wahab\‫ وهب‬wuxuu yiri: waana geedka uu Ilaahay adduunkaan ka yeelay rizqiga dhashiisa
(Aadan\‫آدم‬, oo ay rootiga ka iyo cunnada ka dhigtaan).
Xabbad kasta oo miraha geedkaasna waxay le'ekeyd kellida lo'da, malabkana way ka
macaanayd, saliidana ka jilicsanayd."
Waxaa kaloo la yiri: "waxaa laga reebay geedka canabka, siday u yiraahdeen ibnu Mascuud ‫إبن‬
\‫ مسعود‬iyo ibnu Jubayr\‫ إبن جبير‬iyo Al Siddiyyu\‫ السدي‬iyo Jacdah bin Hubayrah\‫جعدة بن هبيرة‬,
waxayna yiraahdeen: taas ayaa u sabab ah in ubadkiisa khamrada xaaraan looga dhigay."
Waxaa kaloo la yiri: "wuxuu ahaa geedka tiinka, siduu u yiri Qataadah\‫ قتادة‬iyo ibnu Jariij ‫إبن‬
\‫جريد‬, ayna saxaabada qaarkood ka wariyeen."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Taas ayaa u sabab ah in markuu qof ku riyoodo isagoo cunaya miraha geedka. tiinka lagu
fasiro shallayti iyo qoomamo, siduu Aadan\‫ آدم‬uga shallaayey oo uu u qoomamooday kaddib
markuu cunay".
Waxaana Calii\‫ علي‬laga wariyay inuu ahaa geedka kafuurka.
Al Diinwarii\‫ الدينوري‬wuxuu yiri:
"wuxuu ahaa geedka cilmiga, cilmiga khayrka iyo cilmiga sharka oo uu qofka cunaa uu wax
walba. ogaado."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"wuxuu ahaa geedka al xanthal\‫الحنظل‬."
Abuu Maalik\‫ أبومالك‬wuxuu yiri:
"wuxuu ahaa geed timireedka."
Waxaa kaloo la yiri: "wuxuu ahaa geed qofkii ka cuna uu wax ahaysiinayo."
Intaasoo idil in kaloo ka badan oo ka duwanna waa la yiri.
Ibnu Cadhiyyah\‫ إبن عطية‬wuxu-u yiri:
"ma jiro Xadiith intaas midkoodna xoojinaya oo uu salka ku hayo. Sida toosanna waxay tahay
in la ictiqaado inuu Ilaahay Aadan\‫ آدم‬ka reebay geed, markaasuu amarkaas khilaafay oo uu ka
cunay."
Abuu Nasr Al Qushayrii\‫ أبونصر القشيري‬wuxuu yiri:
"Aabahay wuxuu oran jiray: "waxaan guud ahaan ognahay inuu ahaa geedka mixnada\‫المحنة‬,
waa imtixaankee."
Ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬wuxuu yiri:
310
"waxaa habboon inaanba la tilmaamin geedkaas, ayadoo ogaantiisu ay tahay cilmi aan waxtar
lahayn, in jaahil laga yahay oo aan la aqooninna waa jahli aan dhibaato geysanayn. "
Al Ssuyuudhii\‫ السيوطي‬wuxuu yiri:
"Waxaa la yiraahdaa in geedkaas waxtar ku sugan yahay haddaan niraahno, inuu ahaa geedka
canabka, maxaa yeelay waxaa ku sugan tilmaan inay khamradu tahay hooyada inta xun oo idil
(sidduu Cabdu Allaahi ibnu Cumar\‫ عبد هللا بن عمر‬u wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"الخمر أم الخبائث‬
"Al Khamru ummuu al khabaa'ithi"
oo ah
"Khamradu waa hooyada waxa xun"). Marka ka fogee (waa khamradee) si ayan adduunkaan
oo lagu cabo u reebin oo ayan hor istaagin in Aakhirada lagu cabbo, haddaan dhimasho horteed
laga tawbad keenin, sida Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, looga wariyay.
Xaasidnimada Ibiiis
Markay intaasoo nicmo ah ay Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬isugu darsantay, oo la siiyay, ayuu
Ibliis xasday.
Al Thaclabii\‫ الثعلبي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu Ibliis magaciisu afka Saryaaniga \‫ السرياننة‬ku
ahaa Cazaaziil\‫عزازيل‬, afka Carabigana Al Xaarithu\‫ الحارث‬ama al Xarthu\‫الحرث‬, waxaana Ibliis
loogu bixiyay quusashada uu Raxmada Ilaahay ka quustay, oo erayga Ibliis wuxuu ka yimid al
ya'su\‫ اليأس‬oo macnihiisu yahay quusasho.
Xaasidnimo waxaa la yiraahdo inuu qofi doono in nicmooyinka uu Ilaahay qof kale siiyay uu
waayo oo ay ka zuulaan, waana isugu mid midka wax xasdayaa inay nicmooyinkaas isaga u
soo wareegaan iyo in kale, oo qasadkiisu waxaa weeye inuu kaas la siiyay uu waayaa.
Marka xaasidku wuxuu rabaa inuu isagu Ilaahay u taliyo oo uu maamulo, isagoo doonaya inuu
isagana nicmooyinkaas siiyo inta kalena uu qadiyo.
Waxay Abuu Daauud\‫ أبوداود‬iyo ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬ka kala wariyeen Abuu Hurayrah\‫أبوهريرة‬
iyo Anas\‫ أنس‬inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"الحسد يأكل الحسنات كما تأكل النار الحطب‬
"Al xasadu ya'kulu al xasanaata kamaa ta'kulu al naaru al xadhaba"
oo macnihiisu yahay:
311
"Xaasidnimadu waxay qofka xaasidka ah xasanaadkiisa (waa ajarka salaaddiisa iyo zakadiisa
iyo soonkiisa iyo xajkiisa iyo acmaashiisa kaloo idil) u cuntaa si la mid ah siduu dabku
qoryaha u cuno oo kale."
Sidaas ayuu Ibliis wuxuu ku ahaa midka khalqiga. ugu horreeyey oo wax xasda, kibrana oo
xaqqa iskala weynaada.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"sababta kibirkiisu waxay ahayd isagoo madax u ahaa Malaa'igta Samaa'u al dunyaa ‫السماء‬
\‫الدنيا‬, oo ah Samada noogu soo xigta oo toddobada Samo ugu hooseysa iyo suldaankeeda iyo
suldaanka arligaba, wuxuuna ahaa Malaa’igta kooda ugu ijtihaad badan, uguna cilmi badan,
wuxuuna maamuli jiray inta Samada iyo arliga u dhexeysa. Markaasuu wuxuu isku arkay inuu
madax yahay, uuna cathiim\‫ عظيم‬wayn yahay. Taas ayaana u geysey inuu kibro.
Markaasuu Ilaahy caasiyay oo uu amarkiisa diiday. Markaasuu Ilaahay masakhay oo uu dhalan
rogay oo uu shaydaan ka dhigay la fogeeyey. Sidaas daraadeed ayuu hadduu gafka iyo
dambiga ninka ka dhaca uu kibir ka yimid, ninkaas ka rajo beel, haddayse caasinnimo iyo amar
diido ka timidna ka rajo qab."
Waxaa kaloo la yiri: Ibliis wuxuu Ilaahay caabuday sideetan kun oo sano, waxaana la siiyay
madaxtinnimada iyo al khazaanatu\‫ الخزانة‬oo ah ilaalinta Jannada, ayadoo loogu xarig
dheereynayo, si la mid ah sida munaafiqiinta adduunkaanba Ashahaadada loo siiyey oo ay u
ashahaataan sida muslimiinta oo kale, iyo si la mid ah sida loo siiyay Balcamu bin
Baacuuraa'a\‫بلعم بن باعوراء‬, oo magaca wayn oo Ilaahay oo wixii lagu waydiisto uu bixiyo
darafka carrabkiisa loo saaray oo kale, kaddibna uu gaaloobay oo uu shaydhaan u raacay.
Balcamu bin Baacuuraa'a‫بلعم بن باعوراء‬
Wuxuu Imaam Al Baghawii\‫ اإلمام البغوي‬Tafsiirkiisa Aayadda boqol iyo shan iyo
toddobaatanaad ku wariyay, sida tafaasiirta kaleba, qisada Balcamu bin Baacuuraa'a ‫بلعم بن‬
‫باعوراء‬. Qisadiisuna waxay ahayd sidatan, sida looga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas ‫عبد‬
\‫هللا بن عباس‬, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee: wuxuu u dhashay reer Banii Israa'iil
\‫بني إسرائيل‬.
Calii bin Dhalxah\‫علي بن طلحة‬, Allaaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri:
"wuxuu u dhashay qabiilka carbeed ee la yiraahdo Kancaaniyyiinta\‫ الكنعانيين‬degina jiray
magaalada Jabbaariinta\‫الجبارين‬, oo ah Qudus\‫ القدس‬ee arliga Falasdhiin\‫فلسطين‬. Qisada ninkaas,
siday u wariycen ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬iyo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo Al Suddiyyi\‫( السدي‬oo
isaguna ah saaxibu Tafsiir) iyo ghayrkoodba waxay ahayd sidatan:
"Nabi Muuse\‫موسى‬, Calayhissalaamu, markuu u kacay la dagaallanka jabbaariinta wuxuu ku
degey arliga Banii Kancaan\‫ بني كنعان‬ee ka tirsan arliga Shaam\‫الشام‬. Markaasaa waxaa
Balcam\‫ بلعم‬u yimid tolkiis. Balcam\‫ بلعم‬wuxuu yiqiinnay oo uu Ilaahay hore u baray Ismu
Allaahi Al Acthamu\‫اسم هللا األعظم‬, Magaca Ilaahay oo Wayn, oo haddii lagu baryo waxaas
laga baryay uu siiyo qofkii ka baryay. Tolkiis waxay Balcam\‫ بلعم‬ku yiraahdeen:
312
"Muuse‫ موسى‬waa nin xoog badan, wuxuuna wataa ciidan fara badan, wuxuuna u yimid inuu
beledkeenna naga saaro, uuna na dilo, uuna reer Banii Israa'iil\‫ بني إسرائيل‬siiyo. Adiguna
waxaad tahay nin ducadiisa la aqbalo. Marka intaad baxdid Ilaahay ka bari inuu naga celiyo".
Markaasuu wuxuu yiri:
"Hoogee, maxaad leedihiin! Muuse‫ موسى‬waa Nabi Ilaahay, waxaana la socda Malaa'ig iyo
Mu'miniin. Sidee baan marka u habaaraa, anigoo Ilaahay ka ogsoon waxaan ka ogsoonahay, oo
haddaan habaaro uu adduunkeyga iyo Aakhiradeyduba i seegayaan oo aan waayayo".
Markaasey ku noqnoqdeen oo ay baryada inuu habaaro ku celceliyeen oo ku badiyeen.
Markaasuu wuxuu yiri:
"ii kaadiya waxaan ka amar qaadanayaa Rabbigeeye", oo caadadiisa ayaaa waxay ahayd
inuusan Ilaahay baryin jeer uu ka amar qaato, amarkaasoo markuu seexdo isagoo hurda riyo
ahaan lagu siin jiray.
Markaasuu Ilaahy amar weydiistay inuu Muuse‫ موسى‬iyo Banii Israa'iil\‫ بني إسرائيل‬habaaro.
Markaasaa isagoo hurda waxaa lagu amray inuusan habaarin. Markaasuu wuxuu tolkiis ku yiri:
"Rabbigay ayaan amar weydiistay waxaana la iga reebay inaan habaaro."
Markaasey hadiyad siiyeen, isaguna uu aqbalay oo qaatay. Markaasey hadana dib u
weydiisteen inuu Muuse‫ موسى‬iyo dadkiisa habaaro, wuxuuna ku yiri:
"ii kaadiya aan Rabbigay ka amar qaatee".
Markaasuu Rabbigiis amar waydiistay. Markaasaan waxba loo waxyoon. Markaasey waxay
tolkiis ku yiraahdeen:
"Rabbigaa hadduu kahan lahaa inaad habaarto wuu kaa reebi lahaa, siduu markii horeba kaaga
reebay".
Markaasey ku celceliyeen oo ay isu jejebiyeen ilaa ay ka fitneeyaan, oo isaguna fitnoobay.
Markaasuu dameerad fuulay, uuna u kacay xagga buur magaceeda la yiraahdo Xasaan \‫ حسان‬oo
uu dusheeda ka arko degmada reer Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬oo hoostiisa ah. Dameeraddii
markay in aan badnaynba la socotay ayay istaagtay, oo inay hore u socoto diiday. Markaasuu
intuu kasoo degay garaacay ilaa uu dhiig ka keenay. Markaasay dameeraddu kacday, isaguna
uu fuulay. Intayan wax badan la soconba hadana way istaagtay. Markaasuu sidii hore oo kale
uu hadana ku falay. Markaasey kacday, isaguna uu fuulay. Intayan wax badanba la socon ayay
hadana. istaagtay. Markaasuu garaacay ilaa uu ka xanuujiyo.
Markaasuu Ilaahay dameeradda u ithmay inay hadasho, oo intay la hadasho ay xujjadana ku
rogto, waxayna ku tiri:
"Isjir oo is ilaali Balcamow\‫ !بلعم‬Xaggeebaad u socotaa? Soo ma aad aragtid Malaa'igta
horteyda ah oo dhinaca aad ii wadid iga soo celineysa? Ma waxaad iila socotaa Nabiga Ilaahay
iyo Mu'miniinta oo aad dooneysaa inaad habaartid?"
Hadalkeedaasu ujeedadiisa uu lahaa dib ugama celin, wuu sii socday, Ilaahayna uu dameeradda
u idmay inay sii wado. Marka dusha Buurta Xasaan\‫ حسان‬la timid ayuu Balcam\‫ بلعم‬Nabi
Muuse‫ موسى‬iyo Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬habaaray.
313
Eray kasta oo habaar ah oo carrabkiisa kasoo baxana wuxuu Ilaahay u duway isaga tolkiis, eray
kasta oo khayr ah oo uu carrabkiisa isaga tolkiis ugu Alle baryana wuxuu Ilaahay u duway reer
Bani Israa'iil‫ بني إسرائيل‬. Markaasey waxay tolkfis ku yiraahdeen:
"Balcamow, ma ogsoon tahay waxaad sameyneysid, oo ayagana khayr ayaad ugu duceyneysaa
annagana waa na habaareysaaye?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Taasi waa mid aanan waxba ka qaban karin, waana shay uu Ilaahay wato".
Markaasuu carrabkiisu soo dhacay oo uu laabtiisa kusoo dhacay, wuxuuna ku yiri: "Hadda
adduunkayga iyo Aakhiradeyduba waan waayey, mana uusan harin waxaan ahayn makri falid
iyo xiilad waxaan ahayn. Marka waan idiin makri falayaa oo qorshe xun ayaan idiin dejinayaa,
xiiladna waan idiin abaabulayaa, ee haweenkiinna qurxiya, dhar qurxoon iyo waxay haweenku
isku qurxiyaan u labbisa, waxaadna u dhiibtaan badeecadaha la gado, kaddibna waxaad u
dirtaan degmada reer Banii Israaiil‫ بني إسرائيل‬si ay usoo gadaan. Waxaadna haweenka amartaan
inayan midkoodna nafteeda u diidin nin doonaya, maxaa yeelay haduu nin ayaga ka mid ihi
zinaysto, ayagoo idil waa la idiinka filnaanayaa".
Markaasey sidaas yeeleen. Markay haweenkii xerada ciidanka Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬galeen,
haweeney kancaaniyiinta ka. mid ah, oo magacecdana la yiraahdo Kastaa bintu Suur ‫كستى بنت‬
\‫سور‬, ayaa waxay ag martay nin madaxda. reer Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬ka mid ah oo la
yiraahdo, Zumraa bin Shaluum\‫زمرى بن شلوم‬, madaxna u ah qabiilka Shamcuun bin Yacquub
\‫شمعون بن يعقوب‬. Markaasuu usoo kacay oo uu gacanta ku dhegay, oo intuu fiiriyay quruxdeedu
ay cajabisay. Markaasuu inta soo waday wuxuu dul keenay Nabi Muuse‫موسى‬,
Calayhisalaamu, wuxuuna yiri:
“Waxaan ku wadaa inaad oran doontid inay tani xaaraan iga tahay?"
Wuxuu Muuse‫ موسى‬ku yiri:
"Haa, xaaraan ayay kaa tahay ee ha u dhowaan".
Zumraa\‫ زمرى‬wuxuu yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan amarkaas kugu adheeceyn", oo intuu haweentii khaymaddiisa la
galay ayuu la gogol galay.
Markaasuu Ilaahay isla markiiba wuxuu reer Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬kusoo diray daacuun.
Ninka la yiraahdo Finxaas bin al Cayzaar (ama Ilayaacaazir) bin Haaruun ‫فنحاس بن العيزر (أو‬
\‫ إلياعازر) بن هارون‬wuxuu ahaa midka u xilsaaran amarka Muuse‫موسى‬, wuxuuna. ahaa nin la
siiyay jir wayn iyo xoog, mana uusan joogin oo wuu maqnaa markuu Zumraa bin Shaluum
‫ زمرى بن شلوم‬falay wuxuu falay, wuxuuna soo laabtay isagoo uu dhaacuunku reer Banii Israa'iil
‫ بني إسرائيل‬faro xun ku hayo. Markaasaa wixii dhacay loo sheegay.
Markaasuu inta warankiisa qaatay, kaasoo kulligiis bir ahaa, wuxuu ugu galay khaymadday ku
jireen, dul tegeyna ayagoo isla hurda. Markaasuu warankiisa labadoodaba ka dusiyay oo uu
wada suray, uuna khaymadda kasoo baxay ayagoo waranka ku suran. Markaasuu Samada kor
ugu qaaday, isagoo waranka garabka ku qabtay, suxulkiisana sinta ku tiiriyay, warankana
garkiisa ku tiiriyay. Finxaas\‫ فنحاس‬wuxuu ahaa curadka Al Cayzar\‫العيزر‬. Isagoo xaaladdaas ku
sigan ayuuna wuxuu yiri:
"llaahayow, taas oo kale ayaan ku falnaa kan Adiga ku caasiya".
314
Markaasaa daacuunkii laga qaaday reer Banii Israa'iil ‫ بني إسرائيل‬. Daacuunku wuxuu reer Banii
Israaiil‫ بني إسرائيل‬ka dilay inta u dhexeysa marka uu Zumraa \‫ زمرى‬haweenta
Kancaaniyadda\‫ الكنعانية‬ah la gogol galay ilaa uu labadoodaba uu Finxaas\‫ فنحاس‬ka dilo
toddobaatan kun oo qof, oo saacad maalin ah gudeheeda ku dhintay.
Taas ayaa u sabab ah in dhasha Finxaas\‫ فنحاس‬ay reer Banii Israa'iil‫ بني إسرائيل‬neef kasta oo ay
qashaan ka siiyaan haraggiisa iyo garabkiisa iyo qalkiisaba, tiirinta uu warankiisa ugu tiiriyay
sintiisa iyo inuu garabkiisa ku qabtay iyo inuu garkiisa ku tiiriyay. Waxay kaloo siiyaan waxa
ugu horreeya oo maalkooda ah oo ay kasbaan iyo naftoodaba, isagoo uu Finxaas \‫ فنحاس‬ahaa
curadka ama wiilka ugu horreeya ee Al Cayzar\‫العيزر‬.
Balcam\‫ بلعم‬ayay kusoo degatay Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al
Acraaf\‫سورة األعراف‬. Intaas ayuu warka Imaam Al Baghawii\‫ اإلمام البغوي‬ku egyahay.
Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Acraaf\‫ سورة األعراف‬waxay
leedahay:
َّ ُ‫و ْات ُل َعلَ ْي ِهم َن َبأَ الَِّذي آَتَْي َناهُ آ ََياتَِنا فَ ْان َسلَ َخ ِم ْنها فَأَتَْب َعه‬
)132( ‫ان ِم َن اْل َغ ِاوي َن‬
َ ‫ان فَ َك‬
ُ َ‫الش ْيط‬
َ
ْ
َ
"Wa atlu calayhim naba'a allathii aataynaahu Aayaatinaa fa ansalakha minhaa fa
atbacahu al shaydhaanu fa kaana mina al ghaawiina(175)",
oo macneheedu yahay:
"Ku akhri korkooda warka kii aan siinnay Aayaatkeenna, oo markaas ka dhex siibtay,
shaydaanna uu raacay isaga, noqdayna kuwa baadida ah oo lumay(175)".
Intuu ibliis Ilaahay caabudayey
Sidaas ayay Ibliis madaxtinnimada iyo kibirku naftiisa u galeen oo ay ugu sugnaadeen, kuna
xasileen.
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
"Ibliis wuxuu u arkay inuu isagu ka sarreeyey oo uu ka deeqtoonaa Malaa'igta, oo sidaasuu u
yiri:
"Anigaa isaga (waa Aadane\‫ )آدم‬ka khayr badan".
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu sheegay inuu Ibliis Ilaahay sideetan kun oo sano caabudayey.
Kitaabka Muntahaa al Nuquuli\‫ منتهى النقول‬wuxuu wariyay inuu Ibliis sagaal kun oo sano
Ilaahay caabudayey.
Kitaabka Taariikhu Al Khamiisina\‫ تاريخ الخميس‬inuu Ibliis Ilaahay lababoqo1 iyo afartan kun oo
sano caabudayey, Samaawaatka toddobada ah iyo arliyada toddobada ahna ayan ku harin taako
la cabbiro ee waa illaa kii ku sujuuday.
315
Ibliis oo albaabka Jannada yimid
Markaasuu Ibliis wuxuu yimid albaabka Jannada, isagoo isu soo yeelay muuqaalka oday
saddex boqol oo sano, oo sanooyinka adduunkaan ah, wax caabudayey. Halkaas ayuu wuxuu
ku dhawray qof Jannada kasoo baxa oo uu Aadan\‫ آدم‬ka wareysto.
Ibliis iyo shimbirka jannada
Markaasaa waxaa soo baxay shinbirka la yiraahdo Al Dhaawuusu\‫الطاووس‬, oo ah shinbir
dhulka ku nool oo aan duulin diiqa dooradana ka wayn, qurux badan oo ay baalashiisu
midabyo kala duwan oo qurux badan leeyihiin, lehna sayn baalal ka samaysan oo dheer oo uu
markuu cayaarayo ama uu faanayo uu sida babbiska oo kale u fidiyo oo uu sare u qaado.
Markaasuu Ibliis wuxuu ku yiri:
"Xaggee baad ka timid?"
Wuxuu shinbirkii yiri:
“Waxaan ka imid beerta iyo Jannada Aadan‫"آدم‬.
Ibliis wuxuu yiri:
“Warkiisa i sii".
Wuxuu yiri:
"Wuxuu ku sugan yahay xaaladda ugu fiican iyo nolosha ugu fiican. Jannada dhexdceda ayuu
daal la'aan iyo farax ku nool yahay, annaguna waxaan ka mid nahay kuwa u adeega".
Ibliis wuxuu yiri:
"Intaad Jannada i gelisid ma ii geyn kartaa?"
Shinbirkii wuxuu yiri:
"Oo adigu kumaad tahay?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan ka mid ahay Malaa’igta la yiraahdo Al Karuubiyyiina\‫الكروبيين‬, waxaanna u sidaa
naseexo iyo waano".
Shinbirkii wuxuu yiri:
"Hadaba waxaad u tagtaa Malagga Ridwaan\‫ رضوان‬oo Jannada maamula, kaasoo aan qofna
waano iyo naseexo ka reebeyn."
Ibliis wuxuu yiri:
"Waxaan doonayaa inaan ayaga ka qariyo."
Shinbirkii wuxuu yiri:
"Qarintu ma noqoto naseexo iyo waano."
Ibliis wuxuu yiri:
"Annagu haddaan madaxda Al Karuubiyyiina‫ الكروبيين‬nahay sirta ma sheegno. Marka haddaad
Jannada i gelisid sidaan ku leeyahay waxaan ku barayaa duco aadan dabadeed duqoobeyn oo
aadan cirroole noqonayn waligaana."
Shinbirkii wuxuu yiri:
"Ma karo inaan Jannada ku geliyo, waxaanse kuu tilmaamayaa abeesada".
316
Ibliis iyo abeesada
Markaasey abeesadu Jannada uga soo baxday, waxayna Ibliis ku tiri markuu waydiistay inay
Jannada geliso:
"Sidee baan kuu geliyaa ayadoo uusan Ridwaan\‫ رضوان‬ii oggolaanaynin?"
Wuxuu ku yiri:
"Anigu waxaan isu rogayaa oo aan noqonayaa riix\‫ ريح‬oo ah dabayl, marka waxaad i gelisaa
miciyahaaga dhexdooda".
Markaasey abeesadii sidaas yeeshay, kaddibna ay afkeeda isku aaburtay oo xirtay. Markaasuu
Ibliis wuxuu ku yiri, kaddib markay Jannada sidaas ku gelisay:
“Waxaad u tagtaa " Shajaratu al Birri\‫ " شجرة البر‬geedka baarrinnimada. Markaasey yeeshay oo
ay geedkaas agtiisa tagtay. Xeeladdaas ayuu Ibliis albaabka Jannada uga galay.
Baroorta beenta ah ee ugu horreyse
Markaassu Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬u yimid, wuxuuna ag istaagay geedka Baarrinnimada,
wuxuuna ku heesay cuudka la fuufo isagoo abeesada afkeeda ku dhex jira. Markaasey Aadan
‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬abeesada u yimaadeen oo ay heesta cuudka\‫ العود‬dhegeysteen (cuudku\‫العود‬
waa al mizmaaru\‫)المزمار‬, ayagoo u maleynaya inay abeesadu heeseyso.
Markaasuu Ibliis wuxuu labadooda ku yiri:
"Soo dhowaada", ayaguna waxay yiraahdeen:
"Waa nalaga reebay u dhowaanshaha geedkaan".
Markaasuu Ibliis booyay, uuna baroortay baroorasho labadoodaba calool xumeysey. Sidaas
ayuu Ibliis wuxuu ku ahaa kan ugu horrecya oo baroorta (waa baroortayna waxaa afka carabiga
lagu yiraa naaxa\‫)ناح‬. Markaasey labadooduba waxay ku yiraabdeen, amaba uu Aadan ‫آدم‬
keligiis ku yiri:
"Maxaa kaa boohinaya?"
Ibliis wuxuu yiri:
“Waxaan la booyayaa anigoo labadiinna daraadeed u barooranaya, sababtuna waxay tahay
inaad dhimaneysaan, oo aad nicmooyinkaan seegeysaan, aadna waayeysaan."
Markaasey waxay labadoodu ku yiraahdeen:
"Oo dhimasho maxay tahay?"
Wuxuu yiri:
"Waxaa idinka tegeya ruuxa iyo itaalka, xubnuhuna dhaqdhaqaaq ma yeelanayaan, ishana arag
u hari mayo, dhegtana wax maqal ahi u hari mayo."
Dhaarta beenta ah iyo khayaanada ugu horreysey
Markaasuu hadalkaas naftooda wax geliyay, oo ay markaas kurboodeen. Markaasuu Ibliis,
lacnadda Ilaahay korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri, siday noo sheegtay Aayadda boqol iyo
labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\‫سورة طه‬:
317
)151( ‫َد ُم َه ْل أ َُدلُّ َك َعلَى َش َج َرِة اْل ُخْلِد َو ُمْل ٍك ََّل َيْبلَى‬
َ ‫َيا آ‬
"Yaa Aadamu hal adulluka calaa shajarati al khuldi wa mulkin laa yablaa?(120)"
oo macneheedu yahay:
"Aadanow, ma ku tusiyaa geedka waaridda iyo xukun aan gaboobeyn?(120)"
Haddaad taas dooneysid, ayuu yiri, "geedkaan ka cun".
Markaasey waxay labadoodu yiraahdeen:
"Cunidda, geedkaan waa nalaga reebay".
Markaasuu Ibliis wuxuu yiri, siday noo sheegtay Aayadda labaatanaad ee Suuratu Al Acraaf
\‫سورة األعراف‬.
ِِ
ِ َ ‫ونا ملَ َك ْي ِن أَو تَ ُك‬
َّ ‫ما َنها ُكما رُّب ُكما َع ْن َهِذ ِه‬
)51( ‫ين‬
ْ ‫الش َج َ ِرة إِ ََّّل أ‬
َ ‫ونا م َن اْل َخالد‬
ْ
َ َ ‫َن تَ ُك‬
َ َ َ َ َ
"Maa nahaakumaa Rabbukumaa can haathihi al shajarati illaa an takuunaa malakayni
aw takuunaa mina al khaalidiina(20)",
oo macneheedu yahay:
"Idiinkama reebin Rabbigiin geedkaan waxaan ahayn inaydnaan noqon laba Malag ama aad
ahaataan kuwa waara(20)."
Ibliis wuxuuna labadoodaba ugu dhaartay inuu naseex u yahay waaninaya. Waxaa kaloo la yiri
inay labadoodu Ilaahay ku dhaariyeen inuu yahay mid u naseexeynaya, markaasuu u dhaartay.
Sidaas ayuu Ibliis wuxuu ku yahay kan ugu horreeya oo been ku dhaartay, iyo midka ugu
horreeya oo wax khayaanay.
Markuu Ilaahay ugu dhaartay ayuu wuxuu ku yiri:
"Kiinneebaa cunidda geedka ku hormaraya oo kan kale gacanta sare ka yeelanaya?"
Markaasey Xaawo\‫ حواء‬xabbad miraha geedka ka cuntay, kaddibna ay Aadan\‫ آدم‬u qurxisay oo
ay u faanisay ilaa uu isaguna ka cuno, waxayna u keentay saddex xabbo,waxayna tiri:
"Aniga xabbad ayaan ka cunay wayna dhadhan macaanayd, wax dhibaato ahna, igama ayan
soo gaarin".
Markaasuu Aadan\‫ آدم‬dib uga joogsaday cuniddeedda, uuna sugay boqol sano, oo uusan cunin.
Markaas kaddib ayuu ayadu xabbadahay haysay ka qaatay oo uu xabbad afka gashaday.
Intuusan xabbaddaas uu afka gashaday dhadhankeedu dhuuntiisaba gaarin, xabbadda
jirmigeeduna uusan uurkiisaba gaarin ayaa waxaa madaxiisa ka duulay taajkiisa u saarnaa oo
ay ku dheehnaayeen luul iyo yaaquut iyo jawharado, waxaana loogu dhawaaqay oo lagu yiri:
"Aadanow, khasaaradaada iyo murugtaadu way dheeraanayaan".
Isla markaasba waxaa hoostooda ka siibtay sariirtay saarnaayeen, oo sariirtu waxay labadooda
ku tiri:
“Waxaan ka xishoonayaa Ilaahay inaan kuwa amarkiisa diiday sariir u noqdo".
318
Waxaa kaloo, Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬isla markaasba ka siibmay dugaagada ama jijimaha
dhudhummada u surnaa iyo kuwa lugaha u surnaaba, kuwaanoo afka carabiga khalkhaal \‫خلخال‬
lagu yiraahdo, waxaana ka duulay suumankay xirnaayeen oo jawharaduhu ku dheehnaayeen.
Waxaa kaloo labadoodaba laga siibay dharka ximaayeen.
Aadan\‫ آدم‬wuxuu labbisnaa toddoba boqol oo go', amarkooduna wuxuu noqday sida la
ogyahay.
Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬waxay geedka uga cuneen ayagoo malaynayey inuusan axadna ku
dhiirranayn inuu Ilaahay been ugu dhaarto, siduu Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬
quluubtooda ugu waynaa daraadeed. Waxaaba intaas dheer inaan beenba la aqoon waxay
tahay. Waxaa intaas oo idil ka muuqata iyo siday noo sheegtay Aayadda kow iyo labaatanaad
ee Suuratu Al Acraaf\‫سورة األعراف‬, inuu Ibliis Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬afka iyo si toos ah
ugala hadlay.
Waxaa kaloo la yiri:
"Bal wuu waswaasiyay, wuxuuna ku baadiyeeyey awoodda uu Ilaahay siiyay, siduu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri:
".‫"إن الشيطان يجري من إبن آدم مجري الدم‬
"Inna al shaydhaana yajrii min ibni Aadama majrii al ddammi",
oo macneheedu yahay:
"Shaydaanku wuxuu uga socdaa dhasha Aadan‫ آدم‬meeshuu dhiiggu uga socda, (waa
xididdadee)".
Waxaase la isku khilaafay siduu Ibliis Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬ku gaaray, kaddib markii
isaga Samada laga soo eryay, ayadoo siday noo sheegtay Aayadda afar iyo soddonaad ee
Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
ِ ْ َ‫ف‬
ِ
)34( ‫يم‬
ٌ ‫اخ ُرْج م ْنهَا فَِإَّن َك َرج‬
"Qaala fa akhruj minhaa fa innaka rajiimun(34)",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuu yiri: "Ka bax xaggeeda adigu waxaad tahay mid la rajmiyaye (34), (oo sida
zaaniyiinta muxsinka\‫ الزاني المحصن‬ah dhagax lagu rajmiyo oo loola dhaco ayaa Ibliis waxaa
lagu rajmiyaa markuu Samada u dhowaado oo loola dhacaa shiilo dab ah oo ololaya, taasoo
aan habeenkii Samada ku aragno).
Waxaa la yiri: waxa laga reebay Ibliis waa gelidda Jannada ee waswaasidda lagama reebin,
ayadoo ibtilo iyo imtixaan ah. Waxaa kaloo la wariyay inuu isku deyey inuu Jannada galo oo
ay markaas Malaa'igta ilaalineysa ka reebtay, kaddibna uu galay isagoo abeesada afkeeda ku
dhex jira.
319
Waxaa kaloo la yiri: Jannada ma uusan gelin kaddib inta laga soo saaray.
Al Xasan\‫ الحسن‬wuxuu yiri:
"Ibliis wuxuu arkay Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬oo Jannada albaabkeeda taagan oo kasoo
baxaya".
Waxaa kaloo la yiri: Ibliis isagoo adduunkaan jooga ayuu inta Samada u dhowaado ayuu
labadooda la hadli jiray.
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu istaagay Jannada albaabkeeda markaasuu u yeeray.
Waxaa kaloo la yiri: arliga isagoo jooga ayuu u dhawaaqay, markaasey maqleen ayagoo
Jannada ku jira.
Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬wuxuu yiri:
"Midda laga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\‫ عبد هللا إبن مسعود‬iyo Cabdu Allaahi ibnu
Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬iyo Abii Al Caaliyah\‫ أبي العالية‬iyo Wahab\‫ وهب‬iyo Munabbih\‫ منبه‬iyo
Muxammad bin Qays\‫ محمد بن قيس‬waxaa weeye inuu Jannada ku galay isagoo abeesada
afkeeda ku dhex jira, uuna sidaas si toos ah labadooda kula hadlay, siduu raggaas uga wariyay
Ibnu Jariir\‫إبن جرير‬, isagoo aan ragga wariyay midna ka xusin iyo silsiladda lagu wariyay
midna, in kastoo silsiladda warisay la'aanteedu ayan inuu warku jiro diidayn."
Wada hadalka Ilaahay Tacaala\‫تعالى‬
‫ هللا‬iyo Aadan\‫آدم‬
Markuu Aadan\‫ آدم‬geedkii laga reebay u dhowaanshihiisaba ka cunay, ayuu Ilaahay Tacaalaa
‫ هللا تعالى‬la hadlay, wuxuuna ku yiri isagoo canaananaya, imtixaanayana:
"‫"يا آدم ألم يكن في ما أبحت لك من الجنة مندوحة عن هذه الشجرة؟‬
"Yaa Aadamu alam yakun fii maa abaxtu laka mina Al Jannati manduuxatan can
haathihi al sh-shajarati?"
oo macneheedu yahay:
"Aadanow‫ آدم‬, soo ma ayan ahayn waxaan kaaga banneeyey Jannada dhexdeeda kuwo waasic
ah oo kaa kaafiya geedkaan?"
Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Haa Rabbiyow, waxaanna ku dhaartay Cizzadaadee, laakiin waxaan u maleeyey inuusan
axadna Adiga been ugu dhaaraneyn, oo taasaa igu xambaartay inaan ka cuno".
Ilaahay wuxuu yiri:
".‫ ال تنال العيش إال كدا‬،‫"وعزتي وجاللي ألهبطنك إلى األرض‬
"Wa Cizzatii wa Jalaalii la ahbidhannaka ilaa al ardi, laa tanaalu al caysha illaa
kaddan",
oo macneheedu yahay:
320
"Waxaan ku dhaartay Cizzadeyda iyo Jaliilnimadeyda oo ah Waynaanteyda, waxaan kuu
dejinayaa arliga, halkaasoo aadan cayshka ku kasbanayn si dhib badan oo daal miiran ah
mooyee".
Markaasuu Adan‫ آدم‬is jejebiyay oo uu is dulleeyey oo uu cudurdaartay. Markaasuu Ilaahay
Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
".‫ أخرج‬.‫"ال يجاورني من عصاني‬
"Laa yujaawirunii man casaanii. Ukhruj ",
oo macneheedu yahay:
"Daris ila noqon mayo mid i caasiyay oo amarkeyga diiday ee ka bax."
Tawassulka Aadan‫ آدم‬ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Markaasuu Aadan‫ آدم‬wuxuu xaqqa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Ilaahay ku waydiistay inuu u dambi dhaafo.
Markaasuu Ilaahy Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
".‫ ولكن ال يجاورني من عصاني‬،‫"قد غفرت لك بحقه‬
"Qad ghafartu laka bi xaqqihi, wa laakin laa yujaawirunii man casaanii",
oo macneheedu yahay:
"Xaqqiisa ayaan kuugu dambi dhaafay, laakin ilama darsayo qof amarkayga diiday."
Soo degashada Aadan‫آدم‬
Markaasuu Aadan‫ آدم‬booyay, kaddibna u sagootiyay kulli inta Jannada ku jirta oo idil, ilaa
heer ay geedeheedu la booyeen intaan geedka cuudka la shito ahayn.
Markaasaa geedka cuudka waxaa la weydiiyay:
"Adigu booyi meysid miyaa?"
Wuxuu yiri: "Ma caasi ayaan u oyaa?"
Markaasaa loo dhawaaqay geedkaas oo lagu yiri:
".‫"كما عظمت أمرنا عظمناك ولكن هيأناك لإلحراق‬
"Kamaa cathamta amranaa cathamnaaka, wa laakin hayya'naaka lil ixraaqi",
oo macneheedu yahay:
"Sidaad amarkeenna u weyneysey ayaan kuu weyneynnay, laakiin waxaan kuu habeynnay
gubidda."
321
Geedka cuudku wuxuu yiri:
"Tanna waa maxay?"
Waxaa lagu yiri:
".‫ فلذلك يحرقونك‬،‫ لكن لم يحترق قلبك لمحبينا‬،‫"أنت عظمتنا فكذلك يعظمونك‬
" Anta cath-thamtanaa fa kathaalika yucaththimuunaka, laakin lam yaxtariq qalbuka li
muxibbiinaa, fa li thaalika yaxriquunaka",
oo macneheedu yahay:
"Adigu waad na weyneysay, sidaas oo kale ayay ayaguna kuu weyneynayaan. Laakiin
qalbigaagu uma uusan guban midkaan jecleyn (Aadan\‫)آدم‬. Sidaas daraadeed ayay kuu
gubayaan".
Aadan\‫ آدم‬iyo Jibriil\‫جبريل‬
Aadan‫ آدم‬markuu albaabka Jannada yimid ayuu mid labadiisa lugood ka mid ah albaabka
kasoo saaray oo uu dhigay, wuxuuna yiri:
"Bismillaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\‫"بسم اللع الرحمن الرحيم‬.
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu ku yiri:
“Waxaad ku hadashay eray wayn, marka cabbaar taagnow, ayadoo ay dhici karto inuu
Midkaan loo jeedini kuu turee".
Markaasaa Jibriil\‫ جبريل‬loo dhawaaqay oo la yiri:
".‫"دعه يخرج‬
"Dachu yakhruju", oo ah "Iska daa ha bexee".
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu yiri:
"llaahayow, wuxuu kuugu yeeray Al Rraxmaanu‫ الرحمن‬- oo ah Midka naxariista badan- ee
marka u naxariiso".
Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri:
‫ فخل عنه يذهب ثم يرجع في مئأة أولوف من أوالده‬.‫ وإن يذهب ال يعاب عليه شيئ‬،‫"إن أرحمه ال ينقص من رحمتي شيئا‬
".‫عصاة حتى يشاهد فضلنا على أوالده ويعلم سعة رحمتنا‬
"In arxamhu la yanqusu min raxmatii shay'an, wa in yath-hab laa yucaabo calayhi
shay'un. Fa khalli canhu yath-hab thumma yarjic fii mi'ati uluufin min awlaadihi
cusaatin xattaa yushaahida fadlanaa calaa awlaadihi wa yaclama sacata raxmatinaa",
oo macneheedu yahay:
322
"Haddaan u naxariisto, taasi naxariisteyda waxba ka dhimi mayso, hadduu tagana waxba lagu
ceebeyn mayo. Marka iska daa ha tagee, kaddibna soo laabtee isagoo ay la socdaan boqol
kumanyaal ah oo dhashiisa ah oo caasiyiin ah, si uu u arko deeqdeenna aan ubadkiisa
siinaynno, uuna u ogaado waasicnimada raxmadeenna".
Taasi waa khulaaso lasoo koobay waxa ay wariyeen ragga qisaska wariya.
Markaasuu Aadan\‫ آدم‬wuxuu ku soo degay buur la yiraahdo Buuth\‫ بوذ‬oo dalka Hindiya ku
taalla. Aadan‫ آدم‬wuxuu la soo degay carafta Jannada, caraftaasoo ku dhegtay Hindiya
geedeheeda, waadiyadeeda iyo banankeedaba, kuwaasoo intii ku tiillayba ay carafi ka
buuxsantay.
Xaawo\‫ حواء‬waxay kusoo degatay Jiddah\‫جدة‬. Waxaa kaloo la yiri waxay kusoo degatay
Carafo. Waxaa kaloo la yiri waxay kusoo degatay Al Muzdalifah\‫المزدلفة‬.
Ibliis wuxuu kusoo degay beledka la yiraahdo Al Ubullah\‫األبلة‬, ahna beled u dhow magaalada
Al Basrah\‫ البصرة‬ee dalka Ciraaq\‫عراق‬. Waxaa kaloo la yiri waxaa lagu dejiyay Jiddah\‫جدة‬.
Abeesadiina waxaa lagu soo dejiyay meesha la yiraahdo Baysaan \‫بيسان‬, waxaana kaloo la yiri
degmada Sajistaan\‫سجستان‬.
Waxaana kaloo la yiri degmada Isfahaan\‫ إسفهان‬oo labadaan danbeba ay Iiraan\‫ إيران‬ku yaalliin.
Intaasoo idil meelo ka duwanna waa la sheegay.
Dhiigga caadada ee haweenka
Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu yiri:
"Ilaahay Tacaalaa wuxuu yiri:
"‫"يا آدم ما حملك على ما صنعت؟‬
"Yaa Aadamu maa xamalaka calaa maa sanacta?"
oo ah:
"Aadanow\‫ آدم‬maxaa kugu xambaaray waxaad fashay?"
Aadan\‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii qurxisay Xaawo\‫"حواء‬.
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
‫ هللا‬wuxuu yiri:
".‫ وألدمينها في الشهر مرتين‬،‫"فإني اعقبها أن ال تحمل إال كرها‬
"Fa Innii ucqibuhaa an laa taxmala illaa karhan, wa la admiyannahaa fii al shahri
marratayni",
oo, macnihiisu yahay:
323
"Marka Anigu waxaan uga abaalmarinayaa inayan uur yeelan oo ayan xaamilo noqon cunug
siddah ayadoo ku dhibtoota mooyee, ayanna dhalin ayadoo ku dhibtoota mooyee, waxaanna
dhiig ka keenayaa bishiiba laba goor".
Imaamka Xadiithka sharxay wuxuu yiri:
"waxaa dhici karta inuu macnuha labada goor ee dhiiggu yahay inuu dhiig ka keeno, taasna ay
ku dhabowdo ayadoo uu mar keli ah ka yimaado, ama ayba sidaas ahaato oo ay istaahisho inay
laba goor dhiigto, yuusanba ka imaane, si la mid ah siduu Ilaahay u cafiyo macaasida ciqaabo
lagu mutaysto oo kale. Waxaa kaloo la yiri: waxaa dhiigga loogu riday ciqaab looga
abaalmarinayo inay geedka dhiig ka keentay. Waxaa kaloo la yiri: waa ciqaab inay abeesada
lugaha ka jebisay. Waxaana dhici karta inay intaasoo idilba sabab u yihiin."
Al Xaakim\‫ الحاكم‬iyo Ibnu Al Munthir\‫ إبن المنذر‬waxay isnaad saxiix ah uga wariyeen Ibnu
Cabbaas\‫ إبن عباس‬inuu yiri:
"Bilawga dhiigga caadada ihi wuxuu Xaawo\‫ حواء‬ku dhacay kaddib markay Jannada kasoo
degatay oo ay dhulka timid".
Cabdu Al Razzaaq\‫ عبد الرزاق‬wuxuu sanad saxiix ah Ibnu Mascuud\‫ إبن مسعود‬uga wariyay inuu
yiri:
"Ragga iyo haweenka reer Banii Israa'iil\‫ بني إسرائيل‬way wada tukan jireen, markaasey
haweenku ragga jirkooda u muujin jireen. Markaasuu Ilaahay dhigga xaydka korkooda yeelay,
uuna masaajidyada ka mamnuucay oo ka reebay."
Cadu Al Razzaaq\‫ عبد الرزاق‬wuxuu Xadiithkaas mid la mid ah ka wariyay Caa'ishah \‫عائشة‬,
Allaha raalli ka noqdee. Xaadiithkaas muuqaalkiisa kore waxaad mooddaa inuu tilmaamayo
inuu dhiigga caadada ihi marka ugu horreyseyba uu haweenka reer Banii Israa'iil \‫ بني إسرائيل‬ku
dhacay, Bukhaarina\‫ البخاري‬wuxuu yiri:
"Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"إن هذا أمر كتبه هللا على بنات آدم‬
"Inna haathaa amrun katabahu Allaabu calaa banaati Aadama",
oo macnihiisu yahay:
"Kani -waa dhiigga caadada ee haweenkee- waa amar uu Ilaahay u dhigay gabdhaha Aadan
\‫ آدم‬korkooda."
Waxaa labadaas Xadiith kulmiyey Al Xaafith Ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬oo yiri:
"Dhiigga lagu riday gabdhaha reer Banii Israaiil\‫ بني أسرائيل‬wuxuu hayey muddo dheer, taasoo
abaalmarin ama ciqaab looga dhigay, ee ma aha inay ayagu ugu horreeyeen gabdho uu dhiig ku
dhaco."
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo ghayrkiisba waxay Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬iyo ghayrkiisba ka
wariyeen inuu hadalka Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ee ku sugan qisada Ibraahiim\‫ إبراهيم‬oo ah:
ِ
‫ت‬
ْ ‫ض ِح َك‬
َ َ‫ام َأرَتُهُ قَائ َمةٌ ف‬
ْ ‫َو‬
324
"Wa imra'atuhu qaa'imatun fa daxikat(71)",
oo macneheedu yahay:
"Haweentiisuna waa taagnayd markaasey qososhay(71)", ahna Aayadda kow iyo toddobaanaad
ee Suuratu Huud\‫سورة هود‬, macneheedu waxaa weeye, ayay yiraahdeen,
"waxaa ka yimid dhiigga caadada ah", oo al daxku\‫ الضحك‬waa magac kale oo xaydka\‫الحيض‬
ama dhiigga caadada haweenka. Qisaduna way ka horreysey reer Banii Israaiil \‫بني إسرائيل‬, oo
waaba Nabi Ibraahiim‫إبراهيم‬, Calayssalaamu."
Caddayn kalena waxaa weeye in marka la yiraahdo gabdhaha Aadan \‫آدم‬, ayan Xaawo\‫ حواء‬ka
baxsanayn, ayadoo ayada laga abuuray feertiisa, oo ay markaas la mid noqotay gabdhihiisa uu
dhalay oo kale, in kastoo ayan run ahaantii gabadhiisa ahayn oo uusan dhalin.
Boohinta Aadan‫آدم‬
Wahab bin Munabbih\‫وهب بن مهبه‬, oo ah ibnu Kaamil al xaafith abuu Cabdu Allaahi al
Sancaanii, al callaamah, al akhbaarii\‫ العالمة األخباري‬،‫إبن الكامل الحافظ أبو عبد هللا الصنعاني‬, runlowga
kutubbada badan sannifay, kana wariyay Ibnu Cabbaas \‫ إبن عباس‬iyo Ibnu Cumar\‫إبن عمر‬,
isagana ay qoyskiisu ka wariyeen iyo Samaak bin al Fadl \‫سماك بن الفضل‬, dhintayna sanadka
Hijriga ee boqol iyo afar iyo toban, wuxuu yiri:
"Aadan‫ آدم‬marka arliga loo soo dejiyay wuxuu ahaaday mid booyaya saddex boqol oo sano,
ayadoo ayan ilmadu ka joogsanayn, ayanna ka qallaleyn waxa ku dhacay daraadeed."
Al Mascuudii\‫المسعودي‬, oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi bin Cutbah bin Mascuud
al Kuufii, al xaafith\‫ الحافز‬،‫عبد الرحمن بن عبد هللا بن عتبة بم مسعود الكوفي‬, dhintayna sanadka boqol
iyo lixdan ama shan iyo lixdan Hijriga, uuna ibnu Numayr\‫ إبن نمير‬ka yiri:
"wuxuu ahaa nin thiqqah\‫ ثقة‬ah oo lagu kalsoon yahay, markii dambena isku qasmay, ibnu
Muscar\‫ إبن مسعر‬uu yiri: "Ma ogi qof isaga uga cilmi badan cilmiga Cabdullaahi ibnu
Mascuud\‫"عبد هللا إبن مسعود‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna yiri:
"Haddii ilmada dadka arliga deggan oo idil la isku keeno oo la barbar dhigo ilmaduu Aadan‫آدم‬
ooyay oo uu daadiyay, waxaa badan ilmaduu Aadan‫ آدم‬ooyay markuu Ilaahay Jannada kasoo
saaray", tiiraanyo uu ka calool xun yahay kasoo tegidda Jannada uu kasoo tegey, iyo inuu
geedkii laga reebay ka cunay, in kastoo loo dembi dhaafay intuusanba kasoo bixin, siduu u
gooyey Al Qurdhubiii\‫ القرطبي‬iyo ghayrkiisba.
Sababtu waxay tahay cabsi uu cabsaday iyo xishood uu xishooday, iyo kaamilnimada ay
qalbigiisa ku sugantahay waynaanta Ilaahay. Sheekheennu wuxuu yiri: "Waxaa dhici karta
inuu muraadku yahay marka la leeyahay "Haa waqtiga tawbad keenidda" inaan laga aqbalin
tawbaddiisa muddo kaddib markii uu Jannada kasoo baxay mooyee".
Mujaahid bin Jabyar al Makhzuumii\‫ مجاهد بن جبير المخزومي‬mawlaahum al Makkii ،al thiqqah, al
xaafith\‫ الخافظ‬،‫ موالهم المكي الثقة‬, oo Tafsiirka Imaam ku ah iyo cilmigaba, imaamnimadiisana la
isku waafaqay, in kastoo uu ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬kitaabkiisa Al ducafaa'u\‫ الضعفاء‬ku yiri: "waa
marduud\‫"مردود‬, kuna dhintay Makkah\‫ مكة‬isagoo sujuudsan sanadka Hijriga. ee boqol iyo
325
saddex, sanad kalena waa la sheegay, axaadiithtu wariyayna ay soo wariyeen kutubbada lixda
ah, wuxuuna yiri:
"Aadan‫ آدم‬wuxuu booyayey boqol sano isagoo aan madaxiisa marna Samada kor ugu qaadin"
xishood uu Rabbigiis ka xishoonayo daraadeed. Boqolkaan sano waxay ka mid yihiin saddexda
boqol oo uu Wahab\‫ وهب‬xusay. Ilaahayna wuxuu ilmadiisa ku dhaliyay cuudka la yiraahdo al
cuudu al radbo\‫"العود الرضب‬, oo ay dhici karto inuu yahay midka la shito oo la bukhuursado,
waxaana la wariyay, siduu sheekheennu u yiri, inuu Aadan‫ آدم‬Jannada kasoo degay isagoo
cuudkaas sita oo uu Jannada dhexdeeda kasoo qaatay. Hadday sidaas tahayna, waxaa loo
qaadanayaa inuu cuudkaasi kaddib ilmadiisa dhulka uga soo dhashay oo uu sidaas kusoo
baxay.
Waxaa kaloo ilmadiisa kusoo baxay zanjabiisha oo dednaanta madaxa faydda araggana xoojisa
oo mugdiga ka qaadda; iyo geedka la yiraabdo al sandalu\‫ السندل‬oo loox qaali ah laga sameeyo,
midabkiisuna guduud ama caddaan yahay, bararkana u daawo ah oo qaada, cudurrada wadnaha
iyo madax xanuunka iyo qandhadaba u daawo ah.
Waxaa kaloo ilmadiisa ku soo dhashay anwaacda kala duwan ee dhirta cadarka laga samecyo.
Xaawana\‫ حواء‬waxay ooyeysey ilaa uu Ilaahay ilmadeeda kusoo dhaliyay qurunfulka iyo dhirta
cadarka laga sametyo oo la yiraahdo al aqaawii\‫األقاوي‬, iyo dhirta cuntada lagu darsadaba.
Marka, ubadka Aadanowi‫ آدم‬bal arka siduu aabihiin uu hal ficil ama fal oo keli ah oo uu falay
isagoo halmaansan amarka Ilaahay ugu ooyayey saddex boqol oo sano. Marka maxaad
faleysaan kuwiinna dambiyada waaweyn kas iyo ula kac u sameeyey? Marka, ku cibro qaata,
oo ka qiyaas qaata in aabihiin Jannada looga soo saaray ciqaab lagu ciqaabayo hal dambi oo uu
galay, kuwiinna, absaarta iyo aragga u saaxiibka ahow.
Aadan‫ آدم‬wuxuu ahaa mid markuu arkaba Malaa'igta Samada kor usii tafeysa iyo kuwa kasoo,
deganayaba uu hilowga uu waddankiisii u qabo uu kordho, waddankaasoo ahaa beelaha kala
duwan ee Jannada, kuwaasoo isaga loo banneeyey intuu dhexdeeda ku jiray, ayadoo aan barna
laga reebin.
Aadan‫ آدم‬wuxuu indhihiisa ku arki jiray Malaa’igta, in kastoo ayan caddayn inuu suuraddooda
asliga ah ku arki jiray iyo in kale. Waxaana la sheegay inay tahay arrin Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gooni loo siiyay oo isaga khaaska u ay tahay inuu Malag
Jibriil\‫ جبريل‬suuraddiisa asliga ah laba goor ku arkay.
Wuxuu kaloo Aadan‫ آدم‬xusuustay cahdiga iyo ammaanka uu ku sugnaa ka hor intuusan arliga
usoo degan iyo ballankii Ilaahay oo uu isagu halmaamay, oo ahaa inuusan geedka u
dhowaanin. Wuxuu kaloo xusuustay deriskiisii Jannada oo ahaa Malaa'igta iyo wixii xoolo
ahaa oo Jannada dhexdeeda kula noolaa, oo sidaas deriskiisa ku noqday.
Marka, kuwiinna dambiyada waawayn gala, iska ilaaliya simbiriiriqasho uu midka wax jeceli
uu midkuu jecel yahay ku yiri:
‫ك‬
َ ِ‫اق َب ْينِي َوَب ْين‬
َ َ‫ق‬
ُ ‫ال َه َذا ِف َر‬
326
" Haathaa firaaqu baynfi wa baynika(78)",
oo ah Aayadda sideed iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Kahfi \‫ سورة الكهف‬oo macneheedu
yahay:
"Kani waa kala tagga dhexdeenna(78)", ahna qisada Nabi Muuse\‫موسى‬, Calayhissalaamu, iyo
Al Khidr\‫الخضر‬, Allaha raalli ka noqdee, ayadoo uu Aadan‫ آدم‬markuu geedka, ka cunay ay ka
fogaadeen kuwuu jeclaa, markuu arligaan usoo degayna ayan cidna hoy siin. Marka, wa sida
ayagoo, sida uu Al Khidr‫ الخضر‬Muuse‫ موسى‬ku yiri oo kale, ayaguna Aadan‫ آدم‬ku yiri:
"Haathaa firaaqu baynii wa baynika".
Marka midkaaga caqliga fiyow lahow, u fiirso siduu aabahaa Aadan ‫ آدم‬ugu fariistay sariirta
boqortooyada, oo sida nasoo martay ka sameysan dahab iyo yaaquut guduudan oo toddoba
boqol oo lugood leh, oo Aadan‫ آدم‬karaameyn loogu fariisiyay, oo uu markaas gacanta u taagay
luqmad laga reebay, oo markaas Jannada looga soo saaray. Marka, ubadkiisow, iska jira cirib
xumida macaasida, maxaa yeelay qofkay haleesho hoos ayay u dhigtaa, martabada uu lahaana
way ka dejisaa."
Ka cunidda geedku ma dambi wayn baa mase mid yar?
Mar ka hadduu qof yiraahdo:
"Ka cunidda iyo soo dejinta ma dambi wayn baa ama mid yar? Ficilkaas Aadan Jannada looga
soo dejiyay ma kabiirah\‫ كبيرة‬baa oo waa dambi wayn, mase maya?"
Hadday kabiirah tahay, dambiyada waaweyn Anbiyada kama dhacaan, intaan Nabi laga dhigin
ka hor iyo kaddibba, oo way ka ilaalsan yihiin oo waa "macsuumiin\‫"معصومين‬.
Hadday ficlad yar ahaydna, waxaa la yiri inay Anbiyada ka dhacaan, waana la dhaafaa
dambiyada ka dhasha, waxaana looga. dhaafaa ka fogaanshah kuwa waaweyn laga fogaado,
siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ku yiri Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al
Nisaa'\‫سورة النساء‬:
ِ
ِ
ِ
ِ
ِّ
ِ
)31( ‫يما‬
ً ‫إ ْن تَ ْجتَنُبوا َك َبائ َر َما تُْنهَ ْو َن َع ْنهُ ُن َكف ْر َع ْن ُك ْم َسي َِّئات ُك ْم َوُن ْدخْل ُك ْم ُم ْد َخ ًَل َك ِر‬
"In tajtanibuu kabaa'ira maa tunhawna canhu nukaffir cankum sayyi'aatikum wa
nudkhilkum mudkhalan kariiman(31)",
oo macneheedu yahay:
"Haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee waxa la idinka reebayo, waxaan ka asturi
(dhaafi) xaggiinna dambiyadiinna (yaryar), waxaanna idin gelineynnaa meel la galo oo sharaf
leh (Jannada)(31)".
Marka haddii muslimiintii caadiga ahaa sidaas dambiyada yaryar looga dhaafayo, maxaad
marka mooddaa Nabi Aadan\‫ آدم‬oo Anbiyadoo idil dhalay? Marka, hadduu qofkaasu yiraahdo:
"Hadaba maxaa yeelay ee ficilkaas daraadiis Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬labbiskay xirnaayeen
327
looga siibay, siday Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Acraafi \‫ سورة األعراف‬noo
sheegtay, oo tiri:
ِ
ِ
ِ
ِ
َّ ‫َدم ََّل َي ْفتَِنَّن ُكم‬
‫اسهُ َما لُِي ِرَيهُ َما َس ْوآَتِ ِه َما‬
ْ ‫ان َك َما أ‬
ُ َ‫الش ْيط‬
َ ‫َخ َرَج أ ََب َوْي ُك ْم م َن اْل َجَّنة َي ْن ِزعُ َع ْنهُ َما ل َب‬
ُ
َ َ ‫َيا َبني آ‬
"Yaa banii Aadama laa yaftinannakumu al shaydhaanu kamaa akhraja abawaykum
mina al Jannati yanzicu canhumaa libaasahumaa li yuriyahumaa saw’aatihimaa(27)",
oo macneheedu yahay:
"Dhasha Aadanow‫ آدم‬, yuusan idin fitnayn shaydaan, siduu uga soo bixiyay oo kale labadii
idin dhashay Jannada, isagoo ka siibay dharkoodii, si uu u tuso cawradooda(27)".
Dharkana waxaa looga siibay doonidda uu doonay inuu xabbad geedkaas, mirihiisa ka mid ah
uu cuno, oo uu afka gashaday, uusanse wali leqin, oo ay markaas ka duuleen taajka madaxa u
saarnaa, dharkuu xirnaa iyo intaas ghayrkoodba, sida canaanta la canaantay oo kale, sida
markuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, Aayadda labo iyo labaatanaad ee
Suuratu Al Acraafi\‫ سورة األعراف‬ku yiri oo kale:
َّ ‫اهما ربُّهما أَلَم أ َْنه ُكما َع ْن تِْل ُكما‬
)55( ‫الش َج َرِة‬
َ ‫َوَن‬
َ
َ َ ْ َ ُ َ َ ُ ‫اد‬
"Wa naadaahumaa Rabbuhumaa alam anhakumaa can tilkumaa al shajarati(22)",
oo macneheedu yahay:
"Markaasuu Ilaahay u yeeray oo uu ku yiri: "Miyaanan idinka reebin geedkaan?(22)".
Su'aashaas waxaa ka jawaabay Abuu Al Qaasim Muxammad Al Zamakhsharii, al callaamah,
Jaaru Allaahi, al muctazilii\‫ المعتزلي‬،‫ جار هللا‬،‫ العالمة‬،‫أبو القاسم محمد الزمخشري‬, inuu muctazilii\‫معتزلي‬
yahayna sheegi jiray, siday u wariyeen ibnu Kullikaan \‫ إبن كلكان‬iyo ghayrkiisba: hadduu albaab
garaaco uuna ithan qaadanayo inuu gurigaas galo wuxuu oran jiray: "Waxaa albaabka taagan
oo ithan qaadanaya inuu soo galo Abuu Al Qaasim Al Muctazilii\‫"أبوالقاسم المعتزلي‬. Waxa ugu
horreyey oo uu sannifayna waa kitaabkiisa tafsiirka Quraanka ah ee la yiraahdo Al Kash-shaaf
\‫الخشاف‬. Al Zamakhsharii\‫ الزمخشري‬wuxuu dhintay habeenka Carafo\‫ عرفة‬ee sanadka shan
boqol iyo saddex iyo soddon Hijriga.
Al Zamakhsharii\‫ الزمخشري‬wuxuu yiri:
"Ma ayan ahayn waxaan "saghiirah\‫ "صغيرة‬ahayn oo ah mid yar, waa dambi yaree, oo ku
duugan kuna dhex qarsoon acmaasha qalbigiisa ee khaaliska Ilaahay u ahaa iyo athkaar saalix
\‫ أذكار صاحة‬ah oo wanwanaagsan, kuwaasoo ah u hoggaansanaanta Ilaahay iyo adeeciddiisa.
kuwa ugu waaweyn iyo acmaasha ugu waaweyn -dambiyada yaryarna hadday ka bataan
dhaacaadku oo ay daacaadku bataan, la isuma qabto oo waa la dhaafaa. Waxaana dambigaas
yar uu ugu socday waxa ku socday waynayn dambigaas la wayneynayo iyo muujin
foolxumadiisa la muujinayo oo lasoo bandhigayo, iyo cabsiin lagu cabsiinayo midka
dambigaas galay, si ay taasi u turid iyo naxariis ugu noqoto isaga Aadan\‫ آدم‬ah iyo
dhashiisaba, si ay dambi falidda uga fogaadaan oo ay iska ilaafiyaan. Waxayna taasi sabab u
328
noqotay inuu Aadan‫ آدم‬adduunkaan ku helay kaamilnimo u faaiideysey kana dhalatay badnida
ajarka uu ku muteystay iyo waynaanta makaankiisa aakhiro. Jamhuurka culummada, oo ah
intooda badan, ee raacsan Imaam Maalik\‫ اإلمام مالك‬iyo Imaam Abuu Xaniifah\‫ اإلمام أبوحنيفة‬iyo
Imaam Al Shaaficii\‫ اإلمام الشافعي‬waxay qabaan inay Anbiyadu macsuumiin\‫ معصومين‬ka yihiin
xattaa dambiyada yaryar dhammaantood, oo uu Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, ka
ilaaliyay. Cusmadaasu\‫ العصمة‬waxay ahaaneysaa intaan falidda dambiyadaas yaryar dhicin
horteed, oo ay ka hortegeysaa inayba ahaadaan, hadduusan amar iyo sharci Ilaahay kusoo
degin iyo wax la mid ah, oo sidaas ayay mid sidaas u yari Aadan‫ آدم‬uga dhacday, taas
dhiciddeedoo ay ka ratibmeen oo ay uga dhasheen manaafic iyo wax waxtar u leh Aadan ‫ آدم‬iyo
ubadkiisaba. Haddayan sidaas oo kale ahaynna Anbiyada sina dambiyo yarna kama dhacaan si
ula kac ah iyo si sahwi iyo halmaamid ahba."
Xikamada iyo naxariista kasoo dejinta Aadan‫ آدم‬ee Jannada
Marka, bal arag naraxariista iyo xikmada faraha badan ee ku sugan in Aadan‫ آدم‬Jannada laga
soo dejiyay oo arligaan loo so dejiyay, ahna faaiidooyinka soo dejintiisa ka dhashay, oo
hadduusan arligaan usoo degi lahayn lama arkeen Jihaadka kuwa mujtahidiinta ah oo cilmiga
baara oo barta oo bara, iyo jihaadka caabidiinta Ilaahay si dhab ah u caabuda, ayadoo ay
xikmadu ahayd hubinta iyo helidda cilmiga, kaddibna camalka lagu dabbaqo, oo uu sidaas ku
noqdo camal sugan oo sidii ay ahayd inuu ahaado ah.
Hadduusan Adan‫ آدم‬soo degi lahayn Samada kor uma tafeen codadka iyo neefdhawga kuwa
tawbadkeenaya, hoosna uma ayan qubteen dhibcaha ilmada kuwa dambiyada galay.
Imaam Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu tafsiirkiisa ku yiri:
"Kasoo saaridda Ilaahay ee uu Aadan‫ آدم‬Jannada kasoo saaray ma ayan ahayn ciqaab isaga
lagu ciqaabayo, maxaa yeelay waxaaba Jannada laga soo saaray oo dhulka loo soo dejiyay
kaddib markuu isaguna ka tawbad keenay wuxuu sameeyey, Ilaahayna uu tawbaddiisa aqbalay.
Waxaase loo soo dejiyay edbin la edbinayo iyo adkayn la adkaynayo mixnada iyo dhibaatada
ku habsatay. Runtuna waxay tahay inay soo dejintiisa arliga loo soo dejiyay ay ka mid tahay
xikmada Ilaahay oo azaliga\‫ أزلي‬ah oo waligeed jirtay ee arrinkaas ku saabsan, ahna inuu
ubadkiisa arliga ku faafiyo, uuna takliif iyo waajibaad korka ka saaro, kuna imtixaano oo ay
halkaas ka rattibmaan abaalmarin iyo ajar siin ama ciqaab markay Aakhiro tagaan, ayagoo
ayan Jannada iyo Naartu ahayn laba daarood oo uu takliif jiro.
Marka, cunidda xabbaddaas miraha geedka laga reebay uu ka cunay waxay sabab u noqotay in
arliga loo soo dejiyo. Ilaahayna waa Midka wuxuu doono fala, wuxuuna hore uba yiri:
ِ ‫إِِّني ج‬
ِ ‫اع ٌل ِفي ْاْل َْر‬
ً‫ض َخلِيفَة‬
َ
"Innii jaacilun fii al ardi khaliifatan(30)", oo ah Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Baqarah
\‫سورة البقرة‬, macneheeduna yahay:
329
"Anigu waxaa arliga dhexdiisa yeeli mid sharcigeyga ku oofiya oo ay facba fac isaga
dambeeyaan(30)".
Culummada tafsiirka Quraanka iyo macnihiisa ku xeel dheerna waxay ka yiraahdeen hadalka
Ilaahay ee ku xusan Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah \‫ سورة البقرة‬iyo
Aayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Al Acraaf\‫ سورة األعراف‬ee ah:
َّ ‫وََّل تَ ْقرَبا َهِذ ِه‬
َ‫الش َج َرة‬
َ َ
"Wa laa taqrabaa haathi-hi al shajarata"
oo macneheedu yahay:
"Hana u dhowaanina geedkaan":
"Waxaaba ku sugan dareen in dambigaas lagu dhici doono, Jannadana looga soo saari doono,
oo degidda uu Aadan\‫ آدم‬Jannadaas degay uusan ku waareyn, maxaa yeelay qofka Jannada ku
waaraya wax dhexdeeda ku jira lagama reebo, waxna lama amro inuu la yimaado, waxna
lagama reebo inuu ka haro, waxaana u daliil ah
ِ ‫إِِّني ج‬
ِ ‫اع ٌل ِفي ْاْل َْر‬
ً‫ض َخلِيفَة‬
َ
"Innii jaacilun fii al ardi khaliifatan(30)",
oo ah Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬, macneheeduna yahay:
"Anigu waxaa arliga dhexdiisa yeeli mid sharcigeyga ku oofiya oo ay facba fac isaga
dambeeyaan(30)". Intaasuu ku egyahay hadalka Imaam Al Qurdhubii\‫القرطبي‬.
Al Axwathii\‫ األحوذي‬wuxuu yiri:
"Inuu Aadan\‫ آدم‬kasoo baxay Jannada waxay sabab u noqotay jiritaanka ubadkiisa iyo dhashaas
badan, iyo jiritaanka Anbiyada iyo Rususha iyo saalixiinta, kamana uusan soo bixin Jannada
isagoo laga soo eryay, bal wuxuu usoo baxay inuu arligaan joogo inta loo xukumay inuu joogo
kaddibna uu ku noqdo. "
Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\‫وتعالى‬
‫هللا تبارك‬, oo Aadan\‫ آدم‬qalbiga u qaboojiyay
Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa‫هللا تبارك وتعالى‬, markuu towbadda Aadan‫ آدم‬aqbalay, wuxuu
u waxyooday oo uu u caddeeyey, kuna ilhaamiyay, wax ay naftiisu ku xasishay, cabsidii
haysay iyo kurbadana ka qaaday, sida Isagoo Ilaahay ku yiri oo kale:
‫ فأنا‬،‫ إن كان حصل لك من اإلخراج كسر‬.‫ أجيب دعوت الداعي‬،‫ مجيب‬،‫ فإني قريب‬،‫"يا آدم إن كنت أهبطت من الدار القرب‬
‫ فأنين‬،‫ فقد تعوضت في األرض أنين المذنبين‬،‫ وإن كان فاتك في السماء زجل المسبحين‬.‫عند المنكسرة قلوبهم من أجلي‬
".‫ وأنين المذنبين يزينه اإلنكسار‬،‫ ربما يشوبه اإلفتخار‬:‫المذنبين أحب إلي من تسبيحهم‬
"Yaa Aadamu in kunta ahbadhta min daari al qurbi, fa Innii qariibun, mujiibun, ujiibu
dacwata al ddaacii. In kaana xasala laka mina al ikhraaji kasrun, fa Anaa cinda al
330
munkasirati quluubihim min Ajlii. Wa in kaana faataka fii Al Ssamaa’i zajalu al
musabbixiina, fa qad tacawwadtu fii al ardi aniina al muthnibiina, fa aniinu al
muthnibiina axabbu Ilaynaa min tasbiixihim: rubbamaa yashuubuhu al iftikhaaru, wa
aniinu al muthnibiina yuzayyinuhu al inkisaaru. "
Hadalkaas oo aan Xadiith ahayn, macnihiisu waxaa weeye:
"Aadanow\‫آدم‬, haddaad kasoo degatay daarta dhowaanshaha -oo Ilaahay u dhow, waana
Jannadee-ha tiiraanyoon, maxaa yeelay Anigu waan dhowahay, waxa la iga baryana qofka iga
barya waan siiyaa, oo sidaas dhowaanshaha aan Jannada kuugu dhowaa wuxuu la mid yahay
dhowaanshahayga aan arliga kuugu dhowahay. Waana maqlaa oon siiyaa kuwa i barya waxay
iga baryaan. Hadday bixidda Jannada lagaa bixiyay uu qalbigaagu ku jabay -sida dhacdaybaAnigu waxaa ahaan agta iyo Midka u dhow oo aan kabaa kuwa ay quluubtoodu Aniga
daraadey u jabeen."
Oo waxaa qalbiga laga dhigay sida quraarad khafiif ah oo taag daran oo hadday jabto kala
daadaneysa, oo sidaas oo kale ayuu qalbigu u taag daranyahay. Xadiithka uu Imaam Al
Ghazaalii\‫ اإلمام الغزالي‬ku wariyay kitaabkiisa Al Bidaayah\‫ البداية‬wuxuu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ سبحانه وتعالى‬leeyahay:
".‫"أنا عند المنكسرة قلوبهم من أجلي‬
" Anaa cinda al munkasirati quluubuhum min ajlii",
oo macnihiisu yahay:
"Anigu waxaan ahay agta -oo aan kabaa- kuwa quluubtoodu u jaban tahay Aniga daraadey".
Haddaan hadalkii Ilaahay inuu Aadan\‫ آدم‬ku yiri loo nisbeeyey tarjumiddiisa dib ugu laabanno
wuxuu yiri:
"Hadduu Samada kugu seegay -marka arliga laguu soo dejiyay- codadka kuwa tasbiixsanaya,
oo Subxaana Allaahi oranaya, waxaan cawil celin ahaan kuu siiyay arliga dhexdiisa iniinka -oo
ah boohintaan lala qaylin oo uu ku taaho qofka xanuun hayaa ay iniinaan markay
xanuunsadaan oo ay Ilaahay u booyaan inuu dambigooda. dhaafo oo uu xanuunkaas ka qaadokuwa dambaaba. Iniinka kuwa dambaaba ayaanna ka jeclahay tasbiixda kuwa tasbiixsada.
Hadday sidaas tahayna, oo aan iniinka dambiilayaasha ka jecelnahay codadka kuwa
tasbiixsanaya, markaas adiguna waxaad jeceshahay waxaan jecelnahay. Codka kuwa arliga
dhexdiisa ku tasbiixsanaya, ayagoo aan ahayn kuwa Samada ku tasbiixsanaya oo kale,
waxaaba dhici karta inuu dhex galo faan oo uu markaas fasaadiyo. Iniinka kuwa dambiga
galayse waxaa qurxiya qalbi jabka, oo sidaasuu inta kale oo cod ahba uga sarreeyaa.
Waaba ayada uu Muslim\‫ مسلم‬Abuu Hurayrah\‫أبوهريرة‬, Allaha raalli ka noqdee uga wariyay
inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ ثم يستغفرون‬،‫"والذي نفسي بيده لو لم تذنبوا لذهب هللا بكم ولجاء بقوم يذنبون‬
331
"Wa Allathii nafsii bi yadihi law lam tathnibuu la thahaba Allaahu bikum wa la jaa'a bi
qawmin yathnibuuna, thumma yastaghfiruuna",
oo macnihiisu yahay:
"Waxaan ku dhaartay Midka ay nafteydu Gacantiisa ku jirto, haddaydnaan dambaabi lahayn,
Ilaahay waa idin qaadi lahaa, markay ajashiinnu soo gasho, wuxuuna keeni lahaa qawm
dambaaba kaddibna dambi dhaafid weydiista, oo uu markaas Ilaahay u dambi dhaafo, si ay u
muujiyaan oo looga arko dambi dhaafidda, Isagoo Ilaahay Ghaffaar dhambi Dhaafe isku
tilmaamay", siduu noogu sheegay Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Al Namli \‫ سورة النمل‬oo
kale:
ِ
)11( ‫يم‬
ٌ ُ‫فَِإِّني َغف‬
ٌ ‫ور َرح‬
"Fa Innii Ghafuurun Raxiimun(11)" oo macneheedu yahay: "Oo Anigu waxaan ahay dambi
Dhaafe Raxmad miiran ah(11)".
Marka si loo helo Al Ghaffaaru\‫ الغفار‬waa in la helaa mid loo dambi dhaafo, si loo arko Al
Rraxiimuna\‫ الرحيم‬oo ah Midka ugu naxariis badan waa in la arkaa kuwuu u naxariistay.
Marka, yeeyan dambiyadiinnu idinka hor istaagin inaad tawbad keentaan, oo aad Ilaahay u
noqotaan, quusasho aad naxariista Ilaahay ka quusateen. Marka, hadalka Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ma aha ruqso in la dambaabo la isu ruqseynayo, ama la iskuba
boorrinayo, balse ujeedadu waa baraarujin la isku baraarujinayo weynaanta deeqda Ilaahay iyo
waasicnimada dambi dhaafkiisa, iyo boorrin la isku boorrinayo in dambiyada laga tawbad
keeno. Subxaana, oo waxaa ceeb iyo baahi iyo naaqusnimo oo idil ka fiyow oo ka fog oo ka
hufan Midka markuu addoonkiisa uu balaayooyinka uu ku jiro uga naxariisto, balaayooyinkaas
laftooda uga dhiga oo ugu beddela siin oo wax fiican siiya, ama beddelka balaayada wax fiican
siiya, Ilaaha hadduu addoon dulleeyana ayan kaas dadaal badan oo uu la yimaado iyo ijtihaad
badani ayan wax tarin, ijtihaadkaasna uuba ku noqdo korkiisa cirib xumo. Ilaahay wuu
talqiiniyay oo uu baray Aadan\‫ آدم‬wax xujjo u noqday, oo waaba isaga. yiri:
"Uma aanan malayneyn inuu. axadna been ku dhaaran karo".
Ragna waxayba yiraahdeen: Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬kamaba ayan cunin geedka laga reebay,
waxayse ka cuneen geed kale oo ay isku jinsi yihiin oo la mid ah, ayagoo amarka u fasirtay oo
u gartay waxa laga reebay uu geedkaas farta loogu fiiqay oo loo tilmaamay yahay, loolana
jeedo, aanse loola jeedin jinsiga geedkaas oo idil, sida ayadoo la yiraahdo geedkaas bardaha ah
ha ka cunin, oo kii farata loogu fiiqay inta ka fogaaday geed kale oo isaguna barde ah ka
cunay.
Waxaana warkaan sheegay Al Qurdhubii\‫القرطبي‬. Ilaahayna wuxuu Aadan\‫ آدم‬baray oo, uu ku
riday wax hadduu yiraahdo tawbaddiisa laga aqbalayo, ahna, siday u yiraahdeen Ibnu Cabbaas
\‫ إبن عباس‬iyo Al Xasan\‫ الحسن‬iyo Ibnu Jubayr\‫ إبن جبير‬iyo al Daxxaak\‫ الضحاك‬iyo Mujaahid
\‫مجاهد‬:
".‫"ربنا ظلمنا أنفسنا وإن لم تغفر لنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين‬
332
"Rabbanaa thalamnaa anfusanaa wa in lam taghfir lanaa wa tarxamnaa la nakuunanna mina al
khaasiriina",
oo macneheedu yahay:
"Rabbigeenow, waxaan gardarreysannay nafafkeenna, haddaadanna dambigeenna dhaafin,
aadanna noo naxariisan waxaan ka mid noqoneynnaa kuwa khasaaray."
Waxaa kaloo Mujaahid\‫ مجاهد‬laga wariyay inay Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬yiraahdeen:
".‫ فاغفر لي إنك أنت الغفور الرحيم‬،‫ ظلمت نفسي‬،‫"اللهم ال إله إال أنت‬
"Allaahumma laa ilaaha illaa Anta, thalamtu nafsii, fa ighfir lii Innaka Anta Al Ghafuuru Al
Rraxiimu",
oo macneheedu yahay:
"llaahayow, ilaahaan Adiga ahayni ma jiro. Nafteyda ayaan dulmiyay ee marka ii dambi dhaaf,
Adigoo ah Midka dambi Dhaafka badan oo naxariistah."
Waxaa kaloo, la yiri: Aadan‫ آدم‬wuxuu arkay inay ku dhigan tahay lugaha Carshiga
‫محمد رسول هللا‬
"Muxammadun Rasuulu Allaahi", markaasuu ku shafeeco weydiistay.
Al Qurdhibii\‫ القرطبي‬wuxuu kaloo yiri:
"muraadku waa boohinta iyo xishoodka iyo ducada iyo shalleytida iyo dambi dhaaf
weydiisashada."
Waxaa sidaas ku dhammaaday juzkii labaad ee Mawlidka Xabiibka, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasalla, waxaana ku xiga, Inshaa'a Allaahu, juzka saddexaad ee Mawlidka, ahna kitaabka
sideedaad ee Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wa al xamdu li
Allaahi Rabbi al caalamiina, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa
Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Eryirida Ibliis
Markaasaa Ibliisna Samada laga soo eryay, kaddib markuu muddo dheer adeegayey, oo siduu
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬yiri wuxuu Ilaahay caabudayey sideetan kun oo sano.
Kitaabka Muntahaa Al Nuquuli-na\‫ منتهى النقول‬wuxuu sheegay inuu Ibliis Ilaahay sagaal kun oo
sano caabudayey.
333
Kitaabka Taariikhu Al Khamiisina\‫ تاريخ الخميس‬wuxuu wariyay laba boqol iyo afartan kun oo
sano ayadoo ayan ku harin Samaawaadka iyo toddobada arliba in taako ah oo uusan ku
sujuudin, wuxuuna, waa Ibliis, yiri
"llaahayo, miyay hartay bar aanan ku sujuudin?"
Markaasuu Cazza wa Jalla ku yiri:
".‫"أسجد آلدم‬
" Usjud li Aadama "
oo ah:
"U sujuud Aadan\‫"آدم‬.
Markaasuu Ibliis wuxuu yiri:
"Ma anigaad iga fadli yeeleysaa -iga kor marineysaa-?"
Ilaahay wuxuu yiri:
".‫"أفعل ما أشاء وال أسأل عما أفعل‬
"Afcalu maa ashaa'u wa laa us'alo cammaa Afcalu"
oo macneheedu yahay:
"Waxaan doono ayaan falaa, la igamana waydiiyo waxaan falo, oo maxaad u fashay la ima
yiraahdo".
Markaasuu Ibliis diiday inuu sujuudo. Markaasaa la eryay oo la lacnaday.
Kitaabka Al Mishkaatu\‫ المشكاة‬wuxuu sheegay oo yiri
"Al Xasan\‫ الحسن‬wuxuu yiri: "Ibliis wuxuu Ilaahay Samada ku caabudayey toddoba boqol iyo
shan iyo toddobaatan kun oo sano, wuxuu arligana Ilaahay ku cabuday isagoo aan ka tegin in
le'eg inta cag la dhigo ee waa illaa kan ku sujuuday."
Marka la eryay ayuu camalkiisii oo idil wuxuu noqday sida Habaa'an Manthuuran \‫هباء منثورا‬,
oo ah waxa habaaska la firdhiyey oo kale ah oo qolka dhexdiisa lagu arko markuu shabaakada
qorraxda iftiinkeedu kasoo galo oo duulduula, waxaasoo aan waxba tarin. Sidaas oo kale ayuu
camalkiisii noqday, oo wax waxtar ah u yeelan mayo, sababtuna ay tahay inuusan la imaan
shardigii loo baahnaa oo ah inuu Ilaahay waxtar uga dhigo.
Markaasuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, wuxuu Ibliis ku yiri, waana
Aayadaha afar iyo shan iyo soddon ee Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
ِ ْ َ‫ال ف‬
ِ
ِ ‫الد‬
ِّ ‫) َوِا َّن َعلَ ْي َك اللَّ ْع َنةَ إِلَى َي ْوِم‬34( ‫يم‬
)32( ‫ين‬
َ َ‫ق‬
ٌ ‫اخ ُرْج م ْنهَا فَِإَّن َك َرج‬
"Qaala Fa akhruj minhaa fa innaka rajiimun(34)Wa inna calayka al llacnata ilaa Yawmi
Al Ddiini(35)",
oo macnohoodu yahay:
334
"Wuxuuna yiri: ka bax xaggeeda adigu waxaa tahay mid la fogeeyeye(34)Korkaagana waxaa
ah lacnad tan iyo Maalinta Xisaabtankee (Qiyaame)(35)".
Taas waxaa weeye: "Jaanada ka bax -oo Samada lagama soo saarin oo waxaa laga reebay
Bicthada oo ah marka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray
dabadeed-, adigoo lagaa fogeeyey oo lagaa eryay khayr iyo karaamoo idil, adigoo lagula
dhacayo oo lagugu rajmayo shihaab, oo ah dab ololoya, waxaana korkaaga ah lacnad -oo ah
eryid iyo fogayn naxariista Ilaahay laga fogeeyey- ilaa Maalinta Xisaabtanka, oo ah Maalinta
Qiyaame."
Ilaahay, hadduu addoonkiisa cadaaladdiisa dul dhigo oo uu ku xisaabiyo xasanadna u reebi
mayo oo uma ay harayso, maxaa yeelay marna kama uusan marna afcaal keeneysa in lagu
qabto oo dambi ah. waaba tuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‫هللا سبحانه وتعالى‬, Aayadda
shan iyo afartanaad ee Suuratu Faadhir\‫ سورة فاطر‬ku yiri:
ٍ ‫ظه ِرها ِمن َداب‬
ِ ‫ولَو يؤ‬
َّ ُ‫اخ ُذ اللَّه‬
‫َّة‬
ْ َ ْ َ ‫اس بِ َما َك َسُبوا َما تََر َك َعلَى‬
َ ‫الن‬
َُ ْ َ
"Wa law yu'aakhithu Allaahu al nnaasa bimaa kasabuu maa taraka calaa thahrihaa min
daabatin(45)",
oo macneheedu yahay:
"Hadduu Ilaahau u qaban lahaa dadka waxay kasbadeen oo xumaan ah, kagama tageen dhulka
korkiisa wax socda(45)".
Taas waxaa weeye: "ugama tageen arliga korkiisa mid korkeeda xumaanta macaasida kula
socda (daabad). Waxaa kaloo la yiri: daabadda waxaa laga wadaa dadka." Hadduuse Ilaahay
deeqdiisa u fidiyo addoonkiisa oo uu si naxariis leh iyo dambi dhaafid kula dhaqmo,
addoonkaas sayyi'aadna oo ah dambi uma haro, oo laguma qabto. Muraadka labadaas qodobna
waa sidatan: xasanaadkiisii iyo sayyi'aadkiisii oo idil ayaa laga tirtirayaa xaashiyaha
Malaa'igta, markaasey kii xasanaadkiisa la wada tirtiray waxaa qalbigiisa gelaya caloolxumo
iyo tiiraanyo xoog leh, inuu xad gudbay ilaa heer ay xasanaadkiisii oo idil tageen.
Kii sayyi'aadkiisa la tirtirayna waxaa aad loogu fogaaday daboolidda xumaantiisa iyo
dambiyadiisii uu galay, siduuba Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri:
‫ حتى يلقى هللا وليس‬،‫ وأنسى ذلك جوارحه ومعالمه من األرض‬،‫"إذا تاب العبد أنسى هللا الحفظة ذنوبه‬
".‫عليه شاهد من هللا بذنب‬
"lthaa taaba al cabdu ansaa Allaahu Al Xafathata thunuubahu, wa ansaa thaalika
jawaarixahu wa macaalimahu mina al ardi, xattaa yalqaa Allaaha wa laysa calayhi
shaahidun min Allaahi bi thanbin",
oo macnihiisu yahay:
335
"Hadduu ama markuu addoonku tawbad keeno, Ilaahay wuxuu Malaa'igta afcaashiisa dhigta oo
ilaalisa halmaansiiyaa dambiyadiisa. Wuxuu kaloo dambiyadiisa halmaansiiyaa xubnaha
jirkiisa iyo baraha arliga ka midka ah oo uu dambiyadaas korkooda ku galay. Markaasuu
addoonkaasu wuxuu Ilaahay la kulmaa isagoo uusan jirin cid Ilaahay hortiisa dambiyaduu
galay ugu markhaati kacda".
Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Asbahaanii\‫األسبهاني‬, kuna wariyay kitaabkiisa Al Targhiibu
\‫الترغيب‬, iyo Al Xakiim\‫ الحكيم‬iyo Al Tarmathii\‫ الترمذي‬oo ku wariyay Al Nawaadir\‫النوادر‬, iyo
Ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬. Labadaas addoon kooda horena waa la xisaabiyay -llaahow ha na
xisaabin- oo acmaashiisana la miizaamay, kan labaadna waa la cafiyay, lana asturay:
Ilaahayow na cafi, nana astur.
Deeqaha Aadan\‫ آدم‬la siiyay
Bal u fiirso, oo isha qalbigaaga ku arag oo ku fakar arrinkaan: markay deeqda uu Aadan ‫آدم‬,
Calayssalaamu, uu khalqiga intiisa kale, sida Malaa'igta iyo ghayrkoodba, dheer yahay, ahna
aqoonta iyo cilmiga, kuna tilmaaman Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah ‫سورة‬
\‫البقرة‬:
‫اء ُكلَّهَا‬
َ ‫َو َعلَّ َم آ‬
ْ ‫َد َم ْاْل‬
َ ‫َس َم‬
"Wa callama Aadama al asmaa'a kullahaa(31)"
oo macneheedu yahay:
"Wuxuuna baray Aadan‫ آ َد َم‬magacda kulligood(31)", iyo ballaarnaanta caqliga uu Ilaahay
siiyay, uuna Abuu Umaamah\‫ أبو أمامة‬ka yiri:
"Haddii turidda iyo dulqaadka Banii Aadanka oo idil tan iyo markuu Ilaahay khalqiga abuuray
ilaa Maalinta Yawmul Qiyaamaha inta la isku daro gacan miisaanka la saaro, dulqaadka iyo
turidda Aadanna‫ آ َد َم‬gacanka kale la saaro, tan Aadan‫ آ َد َم‬ayaa culusaan lahayd," Al Qurdhubii
\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Taasi waxay ixtimaaleysaa in tiradaas guud laga saaro oo uusan ka mid ahayn Al
Musdhafaa\‫المصطفى‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maxaa yeelay isagaa
dadkoo idil ugu dul qaad badnaa iyo turidba.
Waxaa kaloo uu warkaasi ixtimaalayaa in loola jeedo intaan Anbiyada ahayn."
Intaasi waa warkii Al Qurdhubii\‫القرطبي‬.
Cilmiguna kaamil ma noqdo jeer lagu dhaqmo, oo lagu camal falo waxa uu xambaarsanyahay.
Jannaduna ma aha daar dhexdeeda lagu shaqeeyo oo lagu dadaalo, balse waa daar lagu
nicmeysto, oo lagu raaxeysto iyo mushaahadah oo ah wax fiirsasho iyo arag.
Sidaas daraadeed ayaa waxaa lagu yiri: "Aadanow, u dego arliga jihaadka oo ah jihaadka nafta,
iyo shahawaatka nafta. Naftu waxay dooneysana, waxaad uga adkaataa shaqo badan oo adag
oo dhab ah oo aad kula jihaadid. Waana ku kanoo noloshaadii nicmada badnayd ee aad ku
haysatay Jannada aad kasoo baxday, ay kuu soo noqotay ayadoo ka kaamilsan siday hore u
ahayd, oo aad Jannada uga caado yeelatay, taasoo ku ahaatay kaddib markaad intaad
adduunkaan ku noolaatay aad hadana Jannada dib ugu noqotay". Waxaa hadalkaas ka cad
336
inayan adduunyadaani, intay doontaba ha dheeraatee, ayan waxba ka ahayn marka loo fiiriyo
nicmooyinka Aakhiro, tanoo waareysa, ayadoo uu adduunku dhammaanayo. Wax
dhammaanayana waxba ma aha marka loo fiiriyo waxa waaraya.
Sawirnimada Ibliis
Markuu Ibliis, korkiisa lacnad ha ahaatee, xaasidnimada uu Aadan‫ آ َد َم‬u qabo muujiyay, wuxuu
ku dadaalay inuu dhibaateeyo, ilaa uu sabab uga noqday kasoo saaridda Jannada ee Sayyidka
Aadan‫آ َد َم‬.
Caalinka magaciisu yahay Al Yaaficii\‫ اليافعي‬wuxuu kitaabkiisa Nafaxaatu Al Azhaari ‫نفحة‬
\‫ األزهار‬uga wariyay Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Calayhissalaatu Wassalaamu, inuu
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وسيد ولد آدم أنت‬،‫ فسيد البشر آدم‬،‫ "إن لكل شيئ سيد‬:‫"هبط علي جبريل فقال‬
" Habadha calayya Jibriilu, fa qaala: " Inna li kulli shay'in sayyidan, fa sayyidu al
Bashari Aadamu, wa sayyidu waladi Aadama anta",
oo macnihiisu yahay:
"Waxaa igu soo degay Jibriil wuxuuna yiri: "Shay walba wuxuu leeyahay sayyid, oo ah
hoggaamiye ama madax, basharkana, waa dadkee, sayyidkoodu waa Aadan‫آ َد َم‬, dhasha Aadan,
oo ah Bani Aadanka oo idilna, sayyidkoodu waa adiga."
Marka, hadduu sax yahay, waxaanna taageeraya Xadiithka Fatxu Al Baari bi Sharxi Saxiixi Al
Bukhaarii\‫فتح الباري بشرح صجيج البخاري‬, oo wariyay inayan sayyidnimadu isla markaas keeneyn
afdaliyo ama ka sarreyn wax la dheer yahay kuwa sayyidka loo yahay, ayadoo uu Cumar bin
Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, yiri:
"Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬waa sayyidkeenna, wuxuuna xoreeyey sayyidkeenna (oo ahaa Bilaal\‫بالل‬
oo intuu isagoo addoonn ah gatay isagoo rabidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo doonayey in inta la gato la xoreeyo meel marinaya, hadana xoreeyey)".
Cumar\‫ عمر‬wiilkiisa Cabdu Allaahi ibnu Curnar\‫عبد هللا إبن عمر‬, Allaha raalli ka noqdee,
caalinka iyo caabidka ummaddaan, wuxuu isaguna isagoo ka faallonaya Mucaawiyah ibnu
Abii Sufyaan\‫معاوية بن أبي سفيان‬, Allaha raalli ka wada noqdee, oo markaas Madaxweynaha
Dawladda Islaamka noqday kaddib afarta Khulafaa'u al Raashidiina oo ah Abuu Bakar‫أبوبكر‬
iyo Cumar‫ عمر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo Calii Dhaalib‫ علي‬iyo Al Xasan bin Faadhimah bintu
Rasuuli Allaahi\‫الحسن بن فاطمة بنت رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Ma aanan arag mid ka sayyidsan Mucaawiyah\‫"معاوية‬, in kastoo uu arkay sayyidnimada Al
Cumarayni\‫ العمرين‬Abuu Bakar‫ أبوبكر‬iyo Cumar‫عمر‬, Allaha raalli ka wada noqdee.
337
Sawirka Ibliis ahna ma uusan garan in Aadan‫ آ َدم‬haddii Jannada laga soo saaro ay deeqihiisu
kaamil noqonayaan, kaddibna uu Jannada ku noqonayo isagoo siduu hore u ahaa ka kaamilsan.
Imaamku wuxuu Ibliis ku magacaabay al ablahu\‫األبله‬, ablahna waxaa la yiraahdaa midka
doqonka ah oo aan wax aqoon ah lahayn oo waxa xun iyo waxa fiican aan kala garanayn oo
aan kala soocayn. Wuxuuna ablah\‫ أبله‬ku noqday ayadoo cilmiguu hore u lahaa laga siibay
markuu gaaloobay.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"La iskuma khilaafsana inuu Ibliis caalin ahaa, oo uu yiqiinnay Ilaahay, intuusan gaaloobin ka
hor. Midka yiri: jaahilnimuu la gaaloobay wuxuu ka yiri: cilmiga ayaa laga siibay markuu
gaaloobay. Midka yirina cinaad iyo madax adayg ayuu la gaaloobayna wuxuu ka yiri: wuxuu
gaaloobay isagoo cilmigiisii leh oo wata oo lagama siibin".
Ibnu Cadhiyyah\‫ إبن عطية‬wuxuu yiri:
"Gaalnimo uu cilmigiina u haro waa wax la fogeysto, agteyda taasi waa suurtowdaa oo wax
aan suurtoobin ma aha, ayadoo isla markaasna qofkuu doono Ilaahay dulleynayo."
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Waxaa la isku khilaafay waa markaas ka hor Ibliis gaal miyuu ahaa? Waxaana la yiri maya,
isagaana ahaa axadka ugu horreeya oo gaal noqda."
Waxaa kaloo la yiri: bal hortiis waxaa jiray qawm gaalo ah, ahna jinnigii arliga degganaa. Ibliis
ma jaahilnimo ayuu la gaaloobay ama cinaadnimo? Ehelu Sunnadu laba aragti ayay ka
leeyihiin. Ibliis hadduu ogaan lahaa inuu Aadan‫ آ َدم‬Jannada kusoo noqonayo isagoo ka fadli
badan xaaladdiisii markii hore oo uu ku jiray intaan laga soo saarin, kuma uusan dadaaleen
inuu kasoo saaro.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Ujeedada Ibliis ma ayan ahayn inuu Aadan‫ آ َدم‬Jannada kasoo saaro, wuxuuse doonayey inuu
hoos uga soo rido martabada iyo darajada uu ku sugnaa, uuna u fogeeyo sida isaga loo
fogeeyey oo kale, oo naxariista Ilaahay looga fogeeyey. Mase uusan gaarin muraadkiisii, oo
ma uusan hanan, wuxuuse kororsaday naaqusnimo iyo caro uu naftiisa u caroodo iyo hungo, uu
maladiisii uu u kacay ku hungoobo. Waaba ayada uu Ilaahay Tacaalaa \‫ هللا تعالى‬Aayadda boqol
iyo labo iyo labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\‫ سورة طه‬ku yiri:
)155( ‫اب َعلَ ْي ِه َو َه َدى‬
ْ ‫ثَُّم‬
َ َ‫اجتََباهُ َربُّهُ فَت‬
" Thumma ijtabaahu Rabbuhu(122) "
oo macneheedu yahay:
"Kaddibna waxaa doortay Rabbigiis(122)".
338
Kaddibna Ilaahay Aadan\‫ آدم‬tawbadiisa ayuu aqbalay, wuuna hanuuniyay, wuxuuna noqday
Khaliifka Ilaahay ee arligiisa kaddib markuu dariskiisa ku ahaa daartiisa." Intaas weeye
hadalka Al Qurdhubii\‫القرطبي‬.
Suufiyada
Suufiyadu waxay yiraahdeen: kasoo bixinta Aadan\‫ آدم‬ee Jannada waxaa ku sugan tilmaan ama
ishaaro tusaysa sida Isagoo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬oranayo:
‫ وآتي بألوف من العصاة ختى أغفر لهم‬،‫ با أؤخر إلى الدنيا‬،‫"لوغفرت في الجنة لما تبين كرمي بأني أغفر لنفس واجدة‬
".‫وله ليتبين جودي وكرمي‬
"Law ghafartu fii al Jannati lamaa tabayyana karamii bi Annii aghfiru li nafsin
waaxidatin, bal u'akhiro ilaa al dunyaa, wa aatii bi uluufin mina al cusaati xattaa aghfira
lahum wa lahu li yatabbayana juudii wa karamii",
oo macneheedu yahay:
"Haddaan u dambi dhaafo isagoo Jannada dhexdeeda ku jira kariimnimadeydu, oo ah
deeqsinnimadeydu kuma ay muuqaneyso inaan qof keligiis u dami dhaafay, balse dib ayaan
ugu dhigayaa adduunka, waxaanna keenayaa kumanyaal caasiyiin ah markaasaan u dambi
dhaafayaa ayaga iyo isagaba Maalinta Qiyaame, si ay isaga iyo ghayrkiisba ugu caddaato
deeqsinnimadeydu iyo kariimnimadeydu.”
Ragga warkaas wariyayna ma ayan arag nas ku saabsan oo ka sugnaaday Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Kitaabka Taariiikhu Al Khamiisina\‫تاريخ الخميس‬, sida nasoo martay, wuxuu wariyay inuu
Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬Malag Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri:
‫ فخل عنه يذهب ثم يرجع في مئأة أولوف من أوالده‬.‫ وإن يذهب ال يعاب عليه شيئ‬،‫"إن أرحمه ال ينقص من رحمتي شيئا‬
".‫عصاة حتى يشاهد فضلنا على أوالده ويعلم سعة رحمتنا‬
"In raximtuhu laa yanqusu min raxmatil sha'un, wa in yath-hab laa yucaabu calayhi
shay'un. Fa khalli canhu xattaa yath-haba, thumma yarjica ghadan fii mi'ati uluufin min
awlaadihi cusaatin xattaa yushaahida fadlanaa calaa awlaadihi wa yaclama sacata
raxmatinaa",
oo macneheedu yahay:
"Haddaan u naxariistana, taasi raxmadayda waxba ka naaqusin mayso, hadduu tagana, oo uu
adduunka u degana, shayna lagu ceebeyn mayo. Marka iska daa ha tagee, hana soo laabto
berrito isagoo wada boqollo kun oo ubadkiisa ah oo caasiyiin ah, si uu markhaati iyo gole joog
uga noqdo deeqdeenna aan siinnay, uuna u ogaado ballaarnaanta naxariisteenna."
339
Ilaahay siduu Aadan\‫ آدم‬galladdiisa ugu kaamilay
Waxaa kaloo ayaduna jirta inuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬u cilmi lahaa inay dhabarkiisa ama
duudkiisa ku jireen dhashiisa, Jannaduna ayan ahayn daar la isku dhalo oo uu ubadku ku tarmo.
Arrinkaan dambena ma diidayo hadalka uu Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ka wariyay ehelu Kitaabka
qaarkood, waa hadduu warkaas uu wariyay sax yahaye, inuu Aadan ‫ آدم‬Xaawo\‫ حواء‬Jannada
dhexdeeda kula gogol gali jiray ka hor intayan geedka xaggiisa ka cunin, oo ay markaas
qaaday uurka Qaabiil\‫ قابيل‬iyo mataantiisa (oo uu Al Dhabarii\‫ الطبري‬taariikhdiisa ku sheegay
inuu magaceedu ahaa Qaliimaa\‫)قليما‬, ayanna uurkaas wax xanuun ah ayan iskaga arag iyo wax
biyo iyo dhiig ah toona markay dhashay.
Waxaa uu intaas Ilaahay doonayey inuu arligaan dhabarkiisa uga soo saaro inta dhashiisa ah oo
aan Jannada nasiib iyo sad ku lahayn, kuwaasoo ah gaalada, si waafaqsan cilmiguu hore ugu
lahaa Subxaanahu wa Tacaalaa\‫سبحانه وتعالى‬, ahna fariiqun fii Al Jaannah wa fariiqun fii al
Ssaciiri\‫فريق في الجنة وفريق في السعير‬, oo ah qaybna waxay geleysaa Jannada, qaybna Naarata.
Al Imaamu Taaju Al Diini Al Subkii\‫ اإلمام تاج الدين السبكي‬wuxuu kitaabkiisa Al Tanwiiru\‫التنوير‬
ku yiri:
"Muraadka uu Ilaahay uu Aadan‫ آدم‬ka lahaa wuxuu ahaa inuu geedka ka cuno, si uu arliga ugu
soo dejiyo, oo uu halkaas khaliifo uga dhigo oo camira. Marka muuqaal ahaan waxay ahayd
hoos usoo dhigid, macna ahaanse waxay ahayd kor u kicid. Sidaas daraadeed ayuuna al
shaykhu abuu Al Xasan al Shaathilii\‫ الشيخ أبو الحسن الشاذلي‬wuxuu u yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan Ilaahay Aadan‫ آدم‬arliga ugu soo dejin inuu naaqusiyo oo uu hoos u
dhigo, wuxuuse usoo dejiyay inuu kaamil ka dhigo".
Kaddibna wuxuu yiri:
"Uma uusan dejin arliga waxaan ahayn inuu kaamil uga dhigo inuu Ilaahay aqoodo, uuna u
qumo oo uu meel mariyo hawlaha takliifka looga dhigay oo lagu waajibiyay."
Sidaas ayay addoonka Aadan‫ آدم‬ah kaamil ugu noqotay addoonnimadiisa uu Rabbigiis ku
aqoonsado, iyo addoonnimada u qumidda takaaliifta waajibka ku ah inuu la yimaado. Sidaas
ayaa waxaa ku waynaatay munnada iyo galladda Ilaahay oo korkiisa ahaatay, iyo badnaanta u
ixsaan iyo samafalkiisa." Intaas waxaa ku eg warka Imaam Al Subkii\‫السبكي‬.
Marka, miskiinow ogow, Ilaahay Jannada, Inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬, annaguu na siiyay oo
noo gooyey, si aan ugu raaxeysanno oo aan ugu nicmeysanno. Inay sidaas tahayna, oo annaga
naloo gooyey, waxaa warkeeda noo keenay Jibriil, Calayhissalaamu, oo Nabigeenna
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay, waxaana u daliil ah hadalka Ilaahay
Tacaalaa‫ هللا تعالى‬ee ku xusan Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ٍ ‫َن لَهم جَّن‬
ِ ِ
ِ
َِّ
‫ات تَ ْج ِري ِم ْن تَ ْحتِهَا ْاْل َْنهَ ُار ُكلَّ َما ُرِزقُوا ِم ْنهَا ِم ْن ثَ َم َرٍة ِرْزقًا قَالُوا‬
َ ْ ُ َّ ‫َم ُنوا َو َعملُوا الصَّال َحات أ‬
َ ‫َوَب ِّش ِر الذ‬
َ ‫ين آ‬
ِ
ِ
)52( ‫ون‬
َ ‫اج ُم‬
ٌ ‫َه َذا الَِّذي ُرِزْق َنا ِم ْن قَْب ُل َوأُتُوا بِ ِه ُمتَ َشابِهًا َولَهُ ْم ِفيهَا أ َْزَو‬
َ ‫طهََّرةٌ َو ُه ْم فيهَا َخال ُد‬
"Wa bash-shiri allathiina aamanuu wa camiluu al ssaalixaati anna lahum Jannaatin
tajrii min taxtihaa al anhaaru, kullamaa ruziquu minhaa min thamaratin rizqan qaaluu
340
haathaa allathii ruziqnaa min qablu wa uutuu bihi mutashaabihan wa lahum fiihaa
azwaajun mudhahharatun wa hum fiihaa khaaliduuna(25)",
oo macneheedu yahay:
"Ugu bishaaree kuwa rumeeyey, camal fiicanna falay inay leeyihiin jannooyin ay socoto
dhexdeeda wabiyo, mar kastoo laga arzaaqo xaggeeda miro waxay yiraahdaan: kani waa kii
hore naloogu arzuqay, waxaa la siiyay isagoo isu eg. Waxayna dhexdeeda ku leeyihiin haween
daahir ab, dhexdeedana way ku waarayaan(25)."
Camal fiicanna falay waxaa weeyey inay inta fardiga ah iyo sunnooyinkaba la yimaadaan.
Jannaatinna waxaa weeye beero geedo badan iyo guryo leh. Waxaanse Jannooyinkaas loo goyn
oo aan wax ku lahayn kuwa ka baxa daacadda Ilaahay. Allaha na waafajiyo.
Jannada uu Aadan\‫ آدم‬degganaa
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Janno waa beer, waxaana Janno loogu bixiyay "li annahaa tajunnu man fiihaa \‫ألنها تجن ما فيها‬,"
oo macneheedu yahay: "maxaa yeelay geedeheeda ayaa qofka dhexdeeda ku jira astura oo
qariya, oo janna waxaa weeye waa qariyay."
Waxaa la isku khilaafay Jannada uu Aadan‫ آدم‬degay midday ahayd, marka lagu yiri:
َ‫ت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة‬
َ ‫َوُقْل َنا َيا آ‬
َ ‫اس ُك ْن أ َْن‬
ْ ‫َد ُم‬
"Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al Jannata(35)",
oo ah Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬, oo macneheedu yahay:
"Waxaanna niri: Aadanow‫ آدم‬deg adiga iyo haweentaaduba Jannada(35)".
Jannada lagu waaro
Waxaana la yiri: waa Jannatu Al Khuldi\‫جنة الخلد‬, oo ah Jannada dhexdeeda lagu waaro. Sidaas
waxaa qaba badan ashcariyyiinta\‫األشعريين‬.
Ibnu Badhaalna\‫ إبن بطال‬wuxuu ka wariyay mashaayiikhda qaarkood inay ehelu sunnadu
aragtidaas isku waafaqeen, waxayna yiraahdeen laamku\‫( الالم‬waana laamka Jannah\‫ جنة‬ka
horreeya) waa lil cahdi\‫للعهد‬, mana uusan jiro machuud\‫ معهود‬kale; waxaana kaloo u daliil ah,
ayay yiraahdeen hadalka Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬oo ku sugan Aayadaha boqol sideed iyo
toban iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Dhaahaa\‫سورة طه‬:
)111( ‫ض َحى‬
ْ َ‫َوأََّن َك ََّل ت‬
ْ َ‫ظ َمأُ ِفيهَا َوََّل ت‬
"Innaka laa tajuucu fiihaa wa laa tacraa(118)Wa annaka laa tath-ma'u fiihaa wa laa
tadxaa(119)"
oo macnohoodu yahay:
341
"Waxaa kuu sugnaaday inaadan dhexdeeda ku gaajoon, aadanna ku arradin(118)Waxaana
kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda, aadanna ku qorroxoon".
Marka sifooyinkaas Aayadahaasu tilmaamayaanna waxay ka mid yihiin tilmaamaha Jannada
dhexdeeda lagu waaro. Sidoo kale, ayay yiraahdeen, hadalka Ilaahay Tacaalaa ‫ هللا تعالى‬ee ku
sugan Aayadda sideed iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\‫ سورة البقرة‬oo ah
ِ
ِ
‫يعا‬
ْ
ً ‫اهبِطُوا م ْنهَا َجم‬
"Ahbidhuu minhaa(38)"
oo macneheedu yahay:
"Ka hoobta xaggeeda oo hoos u dega(38)", ayadoo ay degashaduna ku dhabowdo in meel kore
laga soo dego oo meel hooseysa loo soo dego, taasoo aan ku dhaboobeyn beer arligaan
dhexdiis lagu abuuray oo ku taalla.
Waxaa kaloo u daliil ah inay sidaas tahay, ayay yiraahden, inuu Muuse\‫ موسى‬markuu
Aadan\‫ آدم‬la kulmay, Calayhimussalaamu, waana Maalinta Qiyaamee, uu ku yiri:
"Adigu waad daalisay dhashaada, Jannada ayaadna kasoo saartay".
Aadan‫ آدم‬taas kuma inkirine, balse wuxuuba yiri:
"Ma waxaad igu eedeyneysaa arrin uu Ilaahay korkeyga ku qaddaray ka hor intaanba la i
abuurin?" Al Xadiith.
Haddayan Jannada waaritaanka ahaan lahaynna, Aadan‫ آدم‬wuu uga jawaabi lahaa Muuse‫موسى‬,
oo uu u caddayn lahaa.
Jaanno Adduunkaan ku tiillay
Waxaa kaloo la yiri Jannadaasi Jannada waaritaanka ma ayan ahayne, waxay ahayd Janno kale,
siday u wariyeen Munthir bin Saciid\‫ منذر بن سعيد‬oo sheegay inay daliillada taas xoojinayaa ay
badan yihiin, iyo Al Imaamu Al Maawardii\‫ اإلمام الماوردي‬iyo Al Imaamu Al Rraazii\‫اإلمام الرازي‬
iyo Ibnu Cuqayl\‫ إبن عقيل‬iyo Al Imaamu Al Qurdhubii\‫ اإلمام القرطبي‬iyo Al Ruumaanii\‫الروماني‬
iyo ghayrkoodba.
Kuwa sidaas qabana waxay isku khilaafeen meeshey Jannadaasi ku tiillay. Abuu Al Qaasim Al
Balkhii\‫ أبوالقاسم البلخي‬iyo abuu Muslim al Asbahaanii\‫ أبو مسلم األصبهاني‬iyo al Thaclabii\‫ الثعلبي‬oo
ka wariyay Al Qadariyyah\‫القدرية‬, waxayna yiraahdeen waa beer arligaan ku tiillay, oo waliba
arliga Cadan\‫( عدن‬ee dalka Yaman\‫ )يمن‬ku tiillay, siduu Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬u xusay, ama
arliga Falasdhiin\‫ فلسطين‬ku taalla ama inta u dhexeysa Faaris\‫ فارس‬iyo Karmaan\‫كرمان‬, siduu Al
Baghawii\‫ البغوي‬u xusay.
Al Raazii\‫ الرازي‬iyo ibnu Cuqaylna\‫ إبن عقيل‬waxay yiraahdeen: kuwa sidaas qaba
hubuudhka\‫ الهبوط‬oo ah kasoo degidda Jannada waxay yiraahdeen waa ka guurid bar oo beel
342
kale loo guuro, si la mid ah soo degidda ku xusan Aayadda kow iyo lixdanaad ee Suuratu Al
Baqarah\‫سورة البقرة‬, kana mid qisada Nabi Musse\‫ موسى‬iyo reer Banii Israaiil\‫بني إسرائيل‬: "
ِ
‫ص ًار‬
ْ
ْ ‫اهبِطُوا م‬
Ahbidhuu Misran(61) "
oo macneheedu yahay:
"Dega Masar\‫"مصر‬, ayagoo beel kasoo guuray beel kalena dega la leeyahay.
Janno kale oo Samada toddobaad ka korreysa
Waxaa kaloo la yiri: Waxay ahayd Janno kale oo Samada toddobaad ka korreysa, siduu u yiri
Abii Haashim\‫ أبي هاشم‬iyo riwaayad laga wariyay Al Jabaa'ii\‫الجبائي‬.
Ibnu Cuqaylna\‫ إبن عقيل‬wuxuu yiri:
"taasina waa oraahyo aan daliil lahayn, ayadoo ayan sugnaan inay Samada ku yaallaan beero
aan Jaanatu Al Khuldi\‫ جنة الخلد‬ahayn, midda lagu waaro".
Janno ibtilo iyo imtixaan
Waxaa kaloo la yiri waxay ahayd Janno aan ahayn Jannatu Al Khuldi\‫جنة الخلد‬, oo uu Ilaahay ka
yeelay daar Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬lagu ibtileeyo oo lagu imtixaano, maxaa yeelay Jannatu
Al Khuldi\‫جنة الخلد‬, Jannada dhexdeeda lagu waaro, waxaa la galaa Maalinta Qiyaame, ayadoo
Jannada ay Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬degeen ayba Qiyaame hortiis galeen.
Jannatu Al Khuldi\‫ جنة الخلد‬waa daar thawaab\‫ ثواب‬iyo abaalmarin kuwa arliga Ilaahay Tacaalaa
\‫ هللا تعالى‬ugu hoggaansamay oo camal suuban la yimid looga abaal gudo, ee ma aha daar
takliif iyo waajibaad la isku saaro, oo waxna la is amro in lala yimaado, waxna la is faro in laga
reebtoomo.
Marka, hadday Jannatu Al Khuldi\‫ جنة الخلد‬ahaan lahayd, geedna lagama reebeen. Jannatu Al
Khuldi\‫ جنة الخلد‬waxay kaloo tahay daar nabad gelyo, oo looga nabad helo cudurro iyo dhibaato
iyo cabsi noocay tahayba, iyo murug iyo calool xumaba, mana ay aha daar ibtilo iyo imtixaan,
sida Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬loogu ibtileeyey oo loogu imtixaanay.
Jannatu Al Khuldi‫ جنة الخلد‬waxay kaloo tahay daar lagu nagaado, siduuba Ilaahay Tacaalaa
‫ تعالى‬ugu yiri Aayadda sideed iyo afartanaad ee Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
‫هللا‬
ِ
ِ
)48( ‫ين‬
ٌ‫ص‬
َ ‫ب َو َما ُه ْم م ْنهَا بِ ُم ْخ َرِج‬
َ ‫ََّل َي َمسُّهُ ْم فيهَا َن‬
"Laa yamassuhum fiihaa nasabun wa maa hum minhaa bi mukhrajiina(48)",
oo macneheedu yahay:
343
"Kumana taabto Jannada dhexdeeda dal iyo dhib, xaggeedana lagama bixiyo(38)", mana aha
daar laga guuro, siday Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬uga soo guureen midday degganaayeen.
Marka, intaasoo idil waxay daliil u tahay inay jannaday Aadan ‫ آدم‬iyo Xaawo\‫حواء‬
degganaayeen ayan Jannatu Al Khuldi\‫ جنة الخلد‬ahayn.
Kuwa oranaya inay jannaday ku jireen ay tahay Jannatu Al Khuldi‫ جنة الخلد‬waxay xujjo iyo
daliil ka dhigteen ayagoo yiri: Jannadu waa mid magac badan leh. Qaar kalena waxay
yiraahdeen: Jannooyinku waa toddoba Janno. Koox culummo ahna waxay rajaxeen inay
Jannooyinku afar yihiin, sida ugu xusan Suuratu Al Rraxmaani\‫سورة الرحمن‬, afartaas
hoostoodana ay jannooyin badan yihiin,sida ugu soo aroortay Xadiithka saxiixa ah oo uu Nabi
Muxammada, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yiri:
".‫"إنها جنان كثيرة‬
"Innahaa jinaanun kathiiratun"
oo macneheedu yahay:
"Waa jannooyin tiro badan".
Gelidda la galo Jannatu Al Khuldi‫ جنة الخلد‬si loo arko waa dhici kartaa Maalinta Qiyaame ka
hor, waxaana u daliil ahba inuu Nabigeennuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, galay
habeenka la dheelmiyay, kaddibna uu kasoo baxay, uuna sheegay waxa dhexdeeda ah iyo inay
xaq ahaan tahay Jannatu Al Khuldi‫جنة الخلد‬.
Kuwa oranayana janno aan ayada ahayn ayay ahayd. midday Aadan \‫ آدم‬iyo Xaawo\‫حواء‬
degganaayeen, oo yiri: inaan Jannatu Al Khuldi‫ جنة الخلد‬dhexdeeda laga dareemin wuxuu
Aadan‫ آدم‬iska dareemay oo xuzni\‫ حزن‬iyo calool xumo ah, iyo inuu labbiskuu xirnaa ka dhacay
iyo daalka uu daalay kaddib markuu shaqeeyey oo uu soo gurtay caleemaha geedaha Jannada
si uu cawradiisa u asturo, xaladahaasi ka fiyoobaantoodu wuxuu u sugnaadaa markay
mu'miniintu galaan Maalinta Qiyaame, siday u muujinayaan Aayaadka kulligood, oo jiritaan
la'aanta calool xumo, dharka iska siibiddiisa, shaqaynta iyo daalidduba waxayan jirayn markay
mu'miniintu jannadaas galaan Maalinta Qiyaame. Ayadaas ayaana daar lagu waaro ah. Runtana
Rabbi ayaa u cilmi leh.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Aadan\‫ أدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬waxay degganaayeen Jannatu Al Khuldi\‫جنة الخلد‬, waanna ka
jawaabay oo aan xujjooyin kusoo rogay inayan janno Cadan\‫ عدن‬ku tiillay ahayn."
Abuu Al Qaasim Al Ruumaanii\‫ أبو القاسم الروماني‬wuxuu tafsiirkiisa ku rajaxay inay Jaanatu Al
Khuldi‫ جنة الخلد‬ahayd, wuxuuna yiri:
"Sidaasi waa qawlka Al Xasan\‫ الحسن‬iyo Cumar\‫"عمر‬, wuuna xiriiriyey. Ehelu Tafsiirkuna taas
ayay qabaan oo ah inay Jannatu Ak Khuldi‫ جنة الخلد‬ahayd.
344
Tawassulka\‫ توصل‬Aadan\‫ آدم‬ee Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Markuu Aadan\‫ آدم‬u kacay inuu Jannada kasoo baxo, kaddib markuu Ilaahay Tacaalaa
‫ تعالى‬uu Aadan‫ آدم‬ku yiri, siduu u wariyay Kitaabka Al Khamiis\‫كتاب الخميس‬:
‫هللا‬
".‫ ال يجاورني من عصاني‬،‫"اخرج‬
"Ukhruj, laa yujaawirunii man casaanii"
oo macneheedu yahay
"Bax, ila darsi mayo mid i caasiyaye", ayuu Aadan‫ آدم‬indhihiisa kor Carshiga ugu qaaday,
wuxuuna arkay inay ku dhigan tahay Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu
Allaahi\‫ال إله إال هللا محمد رسول هللا‬. Markaasuu wuxuu yiri:
"Rabbigeeyow, xaqqa Muxammad\‫ محمد‬iigu dambi dhaaf".
Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri:
".‫ ولكن ال يجاورني من عصاني‬،‫"قد غفرت لك بحقه‬
"Qad ghafartu laka bi xaqqihi, wa laakin laa yujaawirunii man casaaniiaa",
oo macneheedu yahay:
"Xaqqiisa ayaan dambigaaga ku dhaafay, laakin daris ila noqon mayo mid i caasiyay."
Aadan‫ آدم‬wuxuu arkay inay dhudhunka Carshiga ku dhigan tahay, laguna dhigay laba kun oo
sano ka hor intaan Samaawaatka iyo arliga la abuurin, sida Anas bin Maalik\‫ أنس بن مالك‬laga
wariyay, ayna ku dhigan tahay bar kasta oo Jannada dhexdeeda ka mid ah, ha ahaato qasri iyo
qol kasta iyo luqumaha xuurul ciinta iyo caleemaha geedka Dhuubaa\‫ طوبى‬iyo caleemaha
Sidratu Al Muntahaa\‫سدرة المنتهى‬, iyo darafyada xijaabka iyo indhaha Malaa'igta dhexdooda,
siduu ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬uga wariyay Kacb Al Axbaar\‫كعب األحبار‬, magaca
Muxammadun ‫ محمد‬oo ku lammaansan magaca Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬: oo ah Laa ilaaha
illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi‫ال إله إال هللا محمد رسول هللا‬.
Markaasuu Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Rabbiyow, midka magacaan Muxammad‫ محمد‬la yiraahdo waa kuma?"
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
".‫"هذا ولدك الذي لوال ه ما خلقتك‬
"Haathaa waladuka allathii law laahu maa khalaqtuka",
oo macneheedu yahay:
"Kani waa wiilkaaga, oo haddayan isaga ahaan lahayn kumaba aanan abuureen."
Markaasuu Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri:
345
"Rabbiyow, xurmada wiilkaan daraadeed, aabahaan dhalay ugu naxariiso".
Markaasaa loo dhawaaqay oo uu Ilaahay Malag amray oo u dhawaaqay:
"Aadanow‫ آدم‬, Alle barigaaga waan aqbalnay, haddaad Muxammad‫ محمد‬noogu shafeeco
weydiisan lahayd, oo aad u shafeeci lahayd inta ku nool Samaawaatka iyo arliga, waan kaa
shafeeco aqbali lahayn."
Waxaa Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raali ka noqdee, laga wariyay inuu
yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
،‫ "يا آدم‬:‫" فقال هللا تعالى‬.‫ أسألك بحق محمد إال ما غفرت لي‬،‫ "يا رب‬:‫"لما اغترف آدم الخطيئة قال‬
‫ ونفخت في من روحك رفعت‬،‫ ألنك لما خلقتني بيدك‬،‫ "يا رب‬:‫وكيف عرفت محمدا ولم أخلقه؟" قال‬
‫ فعلمت أنك لم تضف إلى اسمك إال‬،‫رأسي فرأيت على قوائم العرش مكتوبا ال إله إال هللا محمد رسول هللا‬
‫ ولوال‬،‫ قد غفرت لك‬،‫ إنه ألحب الخلق إلي وإذا سألتني بحقه‬،‫ "صدقت يا آدم‬:‫" فقال هللا‬.‫أحب الخلق إليك‬
".‫محمد ما خلقتك‬
"Lammaa iqtarafa Aadamu al khadhii'ata qaala: "Yaa Rabbi, as'aluka bi xaqqi
Muxammadin illaa maa ghafarta lii". Fa qaala Allaahu Tacaalaa: "Yaa Aadamu, wa
kayfa carafta Muxammadan wa lam akhluqhu?" Qaala: "Yaa Rabbi, li Annaka
Lammaa khalaqtanii bi yadika, wa nafakhta fiyya min Ruuxika rafactu ra'sii fa ra'aytu
calaa qawaa'imi Al Carshi maktuuban laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu
Allaahi, fa calimtu Annaka lam tadaf (waa daadka korka dhibicda ku leh oo saadka ku
xigah) ilaa Ismika illaa axabba al khalqi Ilayka". Fa qaala Allaahu: "Sadaqta yaa
Aadamu, innahu la axabbu al khalqi Ilayya wa ithaa sa'altanii bi xaqqihi, qad ghafartu
laka, wa law laa Muxammadun maa khalaqtuka".
Imaam Al Bayhaqii\‫ اإلمام البيهقي‬ayaa ku wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬,
kitaabkaasoo uu Al Thahabii\‫ الذهب‬ka yiri: "Qaado kitaabkaas oo ka baro, isagoo dhammaantiis
yahay hanuun iyo nuur." Xadiithkaani waa qayb Xadiithka uu wariyay Cabdu Al Rraxmaan bin
Zayd bin Al Aslam Al Madanii\‫عبد الرحمن بن زيد بن أسلم المدني‬, oo ka wariyay aabihiis iyo Ibnu
Al Munkadir\‫إبن المنكدر‬. Isagana waxaa ka wariyay Asbagh wa Qutaybah\‫ أسبغ و قتيبة‬iyo
Hishaam\‫ هشام‬oo daciif weeye yiri, wuxuuna leeyahay Kitaab Tafsiir ah, wuxuuna dhintay
sanadka boqol iyo labo iyo sideetanka Hijriga ah.
Waxaa kaloo Xadithka wariyay Al Xaakim\‫ الحاكم‬oo yiri waa saxiix. Waxaa kaloo wariyay Al
Dhabraanii\‫الطبراني‬, o ah Al Imaamu Abuu Al Qaasim Sulaymaan bin Axmad bin Ayyuub Al
Lakhmii Al Shaamii, Al Xaafith\‫ الحافظ‬،‫اإلمام أبو القاسم سليمان بن أحمد بن أيوب اللخمي الشامي‬, oo
kutubbada badan dhigay, cilmigana ka qaatay in kun Shaykh ka badan, isagana ay ka qaateen
Abuu Nucaym\‫ أبونعيم‬iyo ghayrkiisba.
Al Thahabii\‫ الذهبي‬wuxuu Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬ka yiri:
"Waa thiqqah\‫ثقة‬, hadalkiisa lagu kalsoon yahay oo runlow ah, xifthi ballaaran leh, aragtina u
leh oo ku xeel dheer Al Cilal\‫العلل‬, oo ah sababaha iyo ragga Xadiithka wariya iyo abwaabtaba,
isagayna kusoo arooreen Xadiithka iyo culuumtiisuba. Wuxuu ku dhintay Masar \‫ مصر‬sanadka
Hijriga ah ee saddex boqol iyo lixdan isagoo boqol sano iyo toban bilood jir ah".
346
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Xadiithkaas ku kordhiyay dhammaadkiisa inuu Ilaahay Tacaalaa
\‫ هللا تعالى‬yiri:
".‫"وهو آخر األنبياء من ذريتك‬
"Wa huwa aakhiru Al Anbiyaa'i min thurriyatika".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu Adan\‫ آدم‬dambiga falay wuxuu yiri:
"Rabbiyow, waxaan kugu weydiisanayaa xaqqa Muxammade\‫محمد‬,dambigayga dhaaf".
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
"Aadanow: sidee baad ku ogaatay Muxammad‫محمد‬, Anigoo aan weliba abuurine?"
Waxaan la abuurinna waa jirkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo nuurkiisa wax
jiraba oo idil hortood la abuuray. Taasi waxay kaloo ku tusineysaa deeqda Aadan ‫ آدم‬la siiyay,
isagoo dhaagay qiimaha sare ee qofka magacaas Muxammad‫ محمد‬leh, kaddib markuu arkay
isagoo dhigan iyo meeshuu ku dhigan yahay.
Aadan‫ آدم‬wuxuu yiri:
"Rabbiyow, Adigu markaad gacantaada igu abuurtay si toos ah -oo aanan ka dhalan aabe iyo
hooyo- oo aad igu afuuftay Ruuxaaga, oo aad sidaas nolol ii gelisay, madaxeyga ayaan kor u
qaaday markaasaan waxaa lugaha Carshiga ku arkay inay ku dhigan tahay laa ilaaha illaa
Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi‫ ال إله إال هللا محمد رسول هللا‬. Markaasaan waxaa
ogaaday inaadan Adigu Magacaaga ku lammaanin midka aad khalqiga ugu jeceshahay
mooyee", taasoo tilmaameysa ballaarnaanta caqliga Aadan ‫ آدم‬iyo siduu hadalkaas meesha ku
dhigan xikmaddaas uu sheegay ugala soo dhex baxay. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa ‫هللا تعالى‬
wuxuu yiri:
"Run ayaad sheegta Aadanow‫آدم‬, oo khalqigoo idil isagaan ugu jeclahay. Haddadna isaga
xaqqiisa igu weydiisatay waan kuu dambi dhaafay. Haduusan Muxammad‫ محمد‬ahaan
lahaynna kumaba aanan abuureen. Isagaana ah Nabiga ugu dambeeya ubadkaaga."
Al Xaafith Abii Al Qaasim Calii bin Al Xusayn bin Hibbatu Allaahi ‫الحافظ أبي القاسم ‘لي بن الحسين‬
\‫بن هبة هللا‬, oo reer Dimishiq\‫ دمشق‬ah, Shaaficina ah, allifayna kitaabka Taariikhu Dimishiq ‫تاريخ‬
\‫ دمشق‬iyo kutubbo kaleba, laguna kalsoon yahay, xujjada ah, cilmiga si daqiiq ah u yaqaanna,
cilmiga badan, Diinta iyo khayrka badan iyo fadligaba, dhashayna sanadka Hijriga ah ee afar
boqol iyo sagaal iyo sagaashan, cilmina u doontay Baghdaad‫ بغداد‬iyo meelo kaleba, kana qaatay
qiyaas kun iyo saddex boqol oo Shaykh iyo sideetan culummo haween ah, dhintayna sanadka
shan boqol iyo kow iyo toddobaatanka, wuxuuna Salmaan Al Faarisi\‫سلمان الفارسي‬, oo ka mid
ah kuwa ay Jannadu u hilowsan tahay, ka wariyay inuu yiri:
"Jibriil\‫ جبريل‬ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degay, wuxuuna ku yiri:
"Rabbigaa wuxuu ku leeyahay:
‫ وقد خلقت الدنيا‬،‫ وما خلقت خلقا أكرم علي منك‬.‫ فقد اتخذتك حبيبا‬،‫"إن كنت اتخذت إبراهيم خليال‬
".‫ ولوالك ما خلقت الدنيا‬.‫وأهلها ألعرفهم كرامتك ومنزلتك عندي‬
347
"In kuntu ittakhathtu lbraahiima Khaliilan, fa qad ittakhathtuka Xabiiban. Wa maa
khalaqtu khalqan akrama Calayya minka, wa la qad khalaqtu al ddunyaa wa ahlahaa li
acrifahum karaamaataka wa manzilataka Cindii. Wa law laaka maa khalaqtu al
ddunyaa".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Rabbigaa wuxuu ku leeyahay: "haddaan hore Ibraahiim\‫ إبراهيم‬Khaliil\‫ خليل‬ka dhigtay (oo ah
saaxiib dhow), sidaad u ogsoon tahay, ogow inaan adiga kaa dhigtay Xabiib\‫حبيب‬, oo ah
midkaan jeclahay, ee marka bishaareyso oo farax. Mana aanan abuurin khalqi adiga agteyda
iiga karaamo badan. Waxaanna u abuuray adduunka iyo inta ku noolba inaan ogeysiiyo
karaamadaada iyo makaankaaga aad agteyda ku leedahay. Haddayan adiga ahaan lahaynna,
adduunkaba ma. aanan abuureen".
Maxaana ka fiican hadalka Sayyidii Calii Wafaa\‫السيد علي وفى‬, uuna ku yiri qasiidadiisa
Daaliyadda ah, oo bayt walba uu xarafka deelka ah ku dhammaado:
‫سكن الفؤاد فعش هنيئا يا جسد \\ هذا النعيم هو المقيم إلى األبد‬.1
‫أصبحت في كنف الحبيب ومن يكن \\ جار الكريم فعيشه العيش الرغد‬.2
‫عش في أمان هللا تحت لوائه \\ ال خوف في هذا الجناب وال نكد‬.3
‫ال تختشى فقرا وعندك بيت من \\ كل المنى لك من أياديه مدد‬.4
‫رب الجمال ومرسل الجدوى ومن \\ هو في المحاسن كلها فرد أحد‬.5
‫قطب النهي غوث العالم كلها \\ أعلى على سار أحمد من حمد‬.6
‫روح الوجود حياة من هو واجد \\ لواله ما تم الوجود لمن وجد‬.7
‫عيسى وآدم والصدور جميعهم \\ هم أعين هو نورها لما ورد‬.8
‫لو أبصر الشيطان طلعة نوره \\ في وجه آدم كان أول من سجد‬.9
‫أولو رأى النمرود نور جماله \\ عبد الجليل مع الخليل وال عند‬.11
‫ لكن جمال هللا جل فال يرى \\ إال بتخصيص من هللا الصمد‬.11
‫فابشر بمن سكن الجوانح منك يا \\ أنا قد مألت من المنى عينا ويد‬.12
‫عين الوفا معنى الصفا سر الندى \\ نور الهدى روح النهي جسد الرشد‬.13
‫هو للصالة من السالم المرتضى \\ الجامع المخصوص ما دام األبد‬.14
1. Sakana al fu'aado fa cish hanii'an yaa jasadu
Haathaa al naciimu huwa al muqiimu ilaa al abadi.
2. Asbaxta fii kanafi al Xabiibi wa man yakun
Jaara Al Kariimi fa yaciishuhu al cayshu al raghadi.
3. Cish fii amaani Allaahi taxta liwaa'ihi
Laa khawfa fii haathaa al najaabi wa laa nakadi.
4. Laa takhtashaa faqran wa cindaka baytun min
Kulli al munaa laka man ayaadiihi madadi.
5. Rabbu al jamaali wa Mursili al jadwaa wa man
Huwa fii al maxaasini kullihaa fardun axadaa.
6. Qudhba al nuhaa ghawthu al caalami kullihaa
Aclaa calaa saari Axmadin min Muxammadaa.
7. Ruuxu al wujuudi xayaatu man huwa waajidu
Law laahu maa tamma al wujuudu liman wujidaa.
8. Ciisaa wa Aadama wa al suduuri jamiicahum
348
Hum acyuunin huwa nuurahaa lama wuridaa.
9. Law absara al shaydhaanu dhalcata nuurihi
Fii wajhi Aadama kaana awwala man sajadaa.
10. Aw law ra'aa al Namruudu nuura jamaalihi
Cabada Al Jaliila maca Al Khaliilaa wa laa canadaa.
11. Laakiin Jamaalu Allaahi Jalla fa laa yaraa
Illaa bi takhsiisin min Allaahi Al Samadaa.
12. Fa abshir bi man sakana al jawaanixa minka yaa
Anaa qad mala'ta "n al munaa caynan wa yadaa.
13. Caynu al wafaa macnaa sirra al nadaa
Nuura al hudaa ruuxa al nuhaa jasada al rushdaa.
14. Huwa li al Salaati mina al Salaami al murtadaa
Al jaamicu al makhsuusu maa daama al abadaa.
Qasiidada macneheedu waxaa weeye:
1. Qalbigu wuu degay ee farxad ku noolow jirow
Nicmathaan waa mid ebedkeed wareysa.
2. Waxaad ku waabariisatay ilaalada Xabiibka, qofkiina
Ahaaday dariska Al Kariimu noloshiisu waa nolol fiican oo waasic ah.
3. Ku noolow ammaanka Ilaahay iyo calankiisa hoostiisa
Dhankaan ma jiraan cabsi iyo nolol ciriiri ah oo adagee.
4. Ka baqi maysid saboolnimo adigoo agtaada uu yahay guri ay ku jiraan
Kulli waxaad doontid Ilaahayna uu kordhinayo.
5. Rabbiga quruxda, ahna Midka siinta soo dira iyo Midka
Inta fiicanba kulligood ku ah keligiis aan lala wadaagin.
6. Hoggaamiyaha cuquusha iyo badbaadiyaha caalanka kulligiis
Inta xamdidana wuxuu u kor mariyay Axmad.
7. Nabi Muxammad,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa ruux jiritaanka waxa
jira oo dhan oo isagaa jiritaankoodaba sabab u ah
Oo haddayan isaga ahaan lahayn ma jireen inta jirtaa.
8. Ciise\‫ عيسى‬-oo ah Rasuulka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xigay
oo ka horreeyey- iyo Aadan\‫ آدم‬-oo ah Rasuulka ugu horreeyey dhammaantood- iyo ragga
waaweyn oo dhan/Waa indho uu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuurkooda yahay
markuu yimid.
9. Hadduu shaydaan arki lahaa iftiinka nuurkisa ka iftiimayey/Oo ka nuurayey wajiga Aadan ‫آدم‬
wuxuu ahaan lahaa kan ugu horrecya oo sujuuda.
10. Ama hadduu Namruud\‫ نمرود‬-oo ahaa Boqorkii Baabil\‫ بابل‬oo Ibraahiim\‫ إبراهيم‬dabka ku
tuuray arki lahaa quruxda nuurkiisa -oo ka iftiimayey wajiga Ibraahiim
Wuxuu la caabudi lahaa Ilaahay Al Jaliilu\‫ هللا الجليل‬Ibraahiim Al Khaliilu\‫إبراهيم الخليل‬, mana
uusan khilaafeen xaqqa, isagoo xaqnimadiisa og oo caniid ma ahaadeen.
11. Laakiin Quruxda Ilaahay way weyn tahay oo ay kor ahaatay markaasaan indhaha lagu
arkayn/Qofkuu Ilaahay Al Samadu siiyey mooyee.
12. Marka ku bishaareyso midka xaqqa baalasha ka degay yaa
Anigoo siin iyo galladeysi ka buuxsaday isha iyo gacantaba.
13. Isha fulinta, macnaha saafinnimada, sirta cod dheerida iyo deeqsinnimada/Nuurka
hanuunka iyo ruuxa caqliga, jirka toosan oo hanuunsan.
14. Isagu Salliga Ilaahay waa kan istaahila oo ehel u ah
349
Kan kulmiyay laguna gooni yeelay ilaa ebedkeed.
Ilamaha Aadan\‫ آدم‬iyo Xaawo\‫حواء‬
Markuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Xaawo\‫ حواء‬abuuray inay Aadan‫ آدم‬ku degto, Aadanna‫آدم‬
uu ayada ku xasilo, boqol sano ama boqol iyo labaatan sano, siduu labadaas taariikhoodba uu u
wariyay Taariikhu Al Khamiisi\‫تاريخ الخميس‬, kaddib markii arligaanloo soo dejiyay,
barakooyinkii Aadan‫ آدم‬ayaa ku hooray Xaawo\‫حواء‬, waxayna sanooyinkaas fiican -oo isagu
wuxuu noolaa kun sano: marka ka goo intuu Jannada dhexdeeda ku jiray iyo boqolkaan ama
boqol iyo labaatankaan sano oo soo degiddisa ka dambeysey, markaasaa waxaa kuu soo
baxaya sanooyinkaan fiican oo uu adduunkaan ku sugnaa-, waxayna u dhashay afartan cunug
oo ay labaatan caloolood ku qaaday, ayagoo mataano ahaa.
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu yiri:
"Waxaa ugu horreeyey caruurtiisa Qaabiil\‫ قابيل‬iyo mataantiisa oo magaceedu ahaa
Iqliimiyyan\‫اقليميا‬.
Ibnu lsxaaqna\‫ إبن إسحاق‬wuxuu ehelu kitaabka kasoo guuriyay inay Qaabiil\‫ قابيل‬iyo Iqliimiyyan
\‫ اقليميا‬ay Jannada dhexdeeda ku dhasheen iyo inay dhashooda ugu dambeeyeen Cabdu Al
Mughiithu\‫ عبد المغيث‬iyo inataantiisa Aamatu Al Ghaythu\‫أمة الغيث‬." Intaas waxaa ku eg warka
Al Bayhaqii\‫البيهقي‬.
Kitaabka Al Nafsii\‫ النفسي‬wuxuu yiri:
"Waxaa ugu horreeyey dhashooda Al Xaarithu\‫الحارث‬, wiilkooda Shayth-na\‫ شيث‬wuxuu
dhashay keligiis mataan la'aan", oo uu Al Mughlaadhay\‫ المغالطي‬yiri waa Shaath\‫ شاث‬oo
macneheedu yabay Hibada ama Siinta Ilaahay.
Al Suhaylii-na\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"afka saryaaniga waa Shaath\‫شاث‬, afka cibrigana Shayth\‫شيث‬."
Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen waa Hibbatu Allaahi\‫هبة هللا‬, oo ah
Hibada Ilaahay, ayagoo Aadan‫ آدم‬iyo Xaawo\‫ حواء‬wiilkaas lagu rizqiyay oo la siiyay shan sano
kaddib Haabiil\‫هابيل‬, waxayna dhashay isagoo u eg oo leh ekaanshaha Haabiil‫ هابيل‬oo uusan
meelna uga duwaneyn.
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhashay afartan sano Haabiil‫ هابيل‬dhimashadiisa kaddib. Intaasoo
idil wax ka duwanna waa la sheegay. Waxaa kaloo la yiri: keligiis ma dhalane balse wuxuu
lahaa gabar mataantiisa ah, siduu Al Khamiis\‫ الخميس‬u wariyay.
Kitaabka Al Baxru Al Nasfii\‫ البحر النسفي‬wuxuu dhigay inuu caruurtooda ugu horreeyey Al
Xaarithu\‫ الحارث‬oo aan gabar mataan ah lahayn, waxaana ku xigay Qaabiil\‫ قابيل‬iyo mataantiisa,
kaddibna Haabiil‫ هابيل‬iyo mataantiisa, kaddibna Asawwatu\‫ أسوت‬iyo walaashiis, kaddibna
Shiith\‫ شيث‬keligiis, dabadiisna gabar keligeed calool ka dhalatay oo aan wiil mataan ah lahayn,
taasoo uu Aadan‫ آدم‬Shiith\‫ شيث‬u guuriyay. Sidaas ayayna u dhalanayeen ilaa ay labaatan uur
afartan cunug ku dhashay, siduu Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay.
Wahab bin Munabbih\‫ وهب بن منيه‬wuxuu yiri:
350
"waxay ahaayeen boqol iyo labaatan caloolood."
Waxaa kaloo la yiri shan boqol oo caloolood oo ay kun cunug kaamil ku noqdeen. Intaasuu ku
egyahay warka kitaabka Al Baxru al Nasfii\‫البحر النسفي‬.
Shiith\‫ شيث‬wuxuu keligiis u dhashay karaamayn uu Ilaahay ku karaameynayo midku
Nabinnimada u doortay, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Shiith
\‫ شيث‬ku abtirsada. Wajiga Shiith\‫ شيث‬waxaa ka iftiiinayey nutirka Nabigeenna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, markaasey Malaa'igtu Aadan\‫ آدم‬u timid oo ay ugu bishaareysey.
Dhimashada Aadan‫آدم‬
Markuu Aadan‫ آدم‬dhintay, Calayhissalaamu, isagoo kun sano jirsaday, sida kusoo aroortay
Xadiithka Abuu Hurayrah\‫ أبوهريرة‬iyo Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, oo ay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyeen.
Waxaa kaloo la yiri kun sano oo toddobaatan dhimman. Waxaa kaloo la yiri kun sano oo
lixdan dhimman. Waxa kaloo la yiri oo afartan dhimman. Wuxuuna ku dhintay, ayaa la yiri,
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬maalin Jimce ah, waxaana ku tukaday Malag Jibriil\‫جبريل‬
oo Imaam u ah Malaa'igta kale iyo dhasha Aadanba‫آدم‬. Waxaa kaloo la yiri waxaa ku tukaday
wiilkiisa Shiith\‫شيث‬, taasoo uu Jibriil\‫ جبريل‬ku amray, waxaana lagu duugay qabri ku yaalla god
ku yaalla buurta Jabalu Qubays\‫جبل أبو قبيس‬, oo ah buurta uu hadda ka dul dhisan yahay guriga
Boqorka Sucuuudiga oo Kacbada agteeda ka dhisan. Sidaas waxaa sheegay Al Thaclabii \‫الثعلبي‬
iyo ghayrkiisaba.
Ibnu Cabbaasna\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu yiri:
".‫ فمات‬،‫"لما فرغ آدم من الحج رجع إلى الهند‬
Oo macnihiisu yahay:
"Markuu Aadan‫ آدم‬Xajka dhammaystay oo uu ka firaaqoobay oo uu kasoo jeestay, wuxuu u
laabtay Hindiya, halkasoo uu ku dhintay."
Thaabit Al \‫ ثابت البناني‬waxaa laga wariyay inuu yiri:
"Markuu Aadan‫ آدم‬dhintay waxay u qaadeen god ku dhex yaalla sarandiib\‫ سرنديب‬-oo ah godku yaalla barta lagu soo dejiyay (waana buurta dalka Hindiya ku taalla oo la yiraahdo Jabalu
Buuthaa\‫جبل بوذا‬, magac kalena waa lagu sheegay)".
Warkaasna waxaa saxiix weeye yiri Al Xaafith Ibnu Kathiir\‫الحافظ إبن كثير‬. Waxaa kaloo la yiri;
waxaa lagu duugay meel u dhexeysa Baytu Al Maqdis\‫ بيت المقدس‬iyo Masjidka Ibraahiim ‫مسجد‬
\‫( إبراهيم‬oo ku yaalla magaala Al Khaliil\‫ الخليل‬ee daanta galbeed ee Wabiga Urdun\‫ نهر اردن‬ee
arliga Falasdhiin\‫)فلسطين‬, isagoo madixiisu xigo xagga dhagaxa Masjidu Al aqsaa\‫مسجد األقصى‬
ku dhex yaalla, oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka safray habeenka
Samaawaadtka kore loo dheelmiyay, uuna Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عزوجل‬, intuu hor
istaagay uu indhiliiisa madixiisa ku yaalla kusoo arkay (sidaan Axaadiithta warisay ugu arki
doonno Inshaa'Allaahu\‫ أن شاء هللا‬markaan meesheeda gaarno), Ilaahayna uu turjubaan la'aan
351
si toos ah ula hadlay, uuna shanta Salaadood oo waajibka ah isaga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, korkiisa iyo korka ummaddiisaba ku fardi yeelay.
Aadan\‫ آدم‬lugihiisuna waxay xigaan xagga Masjidu Ibraahiim\‫مسجد إبراهيم‬.
Waxaa kaloo la yiri: waxaa lagu duugay Masjidu Al Khayfi \‫ مسجد الخيف‬oo Mina\‫ منى‬ku yaalla.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen: waxaa duugtay Malaa’igta iyo Shiith
\‫ شيث‬iyo walaaliliiis, waxayna ku duugeen Mashaariqu Al Firdawsi \‫ مشارق الفردوس‬tuulada
ahayd magaalada ugu horreysey oo adduunkaan lagu dhisay. Maalintaas waxaa madoobaaday
qorraxda iyo dayaxaba oo labadooduba madoobaa.
Xaawo\‫ حواء‬waxay Aadan‫ آدم‬dabadiis nooleyd hal sano. Waxaa kaloo la yiri waxay ka
dambeysey saddex maalmood, waxaana lagu duugay dhiniciisa.
S h i i t h\‫شيث‬
Aadan‫ آدم‬wuxuu dhashiisa kala dardaarmay Shiith\‫ شيث‬, Calayhisssalaamu, ayaguna way
adeeceen oo ay walaalkood u hoggansameen.
Waxaa Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
".‫"لم يمت آدم حتى بلغ أوالده وأحفاده أربعين ألفا الصلبية منهم أربعون‬
Oo macnihiisu yahay:
"Aadan‫ آدم‬ma uusan dhiman jeer ay caruurtiisa iyo kuwa awoowaha uu u yahay afartan kun
gaareen, afartankaas kunna ay ka mid yihiin afartan uu isagu dhalay."
Kitaabka Musnadu Al Firdawsa\‫ مسند الفردوس‬wuxuu Anas\‫ أنس‬ka wariyay inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ "إن ربي عهد إلي‬:‫ وقال‬،‫"أن آدم عله الصالة والسالم قام خطيبا في أربعين ألفا من ولده و و لد ولده‬
،‫ وأحبهم إليه‬،‫" وكان شيث أجمل أوالده وأشبههم به‬.‫ "يا آدم أقلل كالمك ترجع إلى جواري‬:‫فقال‬
‫ وزوجه هللا‬،‫ وأنزل عليه خمسين صحيفة‬,‫ وعلمه هللا الساعات والعبادت في كل ساعة منها‬،‫وأفضلهم‬
‫ وكان آدم وليها ورزقه‬،‫ وخطب جبريل وشهدت المالئكة‬.‫أخته التي ولدت بعده وكانت جميلة كأمها حواء‬
".‫ وعمر تسع مئاة وإثني عشرة سنة‬،‫هللا أوالدا في حياة أبيه‬
"Inna Aadama Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu qaama khadhiiban fii arbaciina alfan
min waladihi wa walada waladihi, wa qaala: "Inna Rabbii cahida ilayya fa qaala: "Yaa
Aadamu aqlil kalaamaka tarjicu ilaa jawaarii". Wa kaana Shiithu ajmala awlaadihi wa
ashbahahum bihi, wa axabbahum ilayhi, wa afdalahum, wa callamahu Allaahu Al
Ssaacaata wa Al Cibaadata fii kulli saacatin minhaa, wa anzala calayhi khamsiina
saxiifatin, wa zawwajahu Allaahu ukhtahu allatii waladat bacdahu wa kaanat jamiilatan
ka ummahaa Xawaa'a. Wa khadhaba Jibriilu wa shahidat Al Malaa'ikatu, wa kaana
352
Aadamu waliyyahaa wa razaqahu Allaahu awlaadan fii xayaata abiihi, wa cammara tisca
mi’atin wa ithnay casharata sanatin. "
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aadan\‫آدم‬, Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu, ayaa wuxuu hor istaagay afartan kun oo ah
caruurtiisa uu isagu dhalay iyo caruurtay caruurtiisu dhaleen, wuuna u khudhbeeyey, wuxuuna
yiri:
"Ilaahay waa ila dardaarmay wuxuuna yiri:
"Aadanow‫ آدم‬hadalkaaga yaree markaasaad darisnimadeyda usoo noqoneysaaye".
Shiith-na\‫ شيث‬wuxuu ahaa kan dhashiisa ugu qurxoon, isagana ugu ekaansho badan, uuna ugu
jecel yahay, uguna deeq badan. Ilaahay wuxuu Shiith baray saacadaha maalinta iyo habeenka
iyo cibaadeysiga mid walba oo saacadahaas ka midka ah, wuxuuna kusoo dejiyay konton
saxiifo, waa waraaqee. Ilaahay ayaa wuxuu u guuriyay walaashiisa isaga dabadiisa dhalatay,
ahaydna gabar qurxoon, sida ay hooyadeed Xaawo\‫ حواء‬u qurxooneyd oo kale. Waxaa gabadha
u doonay Jibriil\‫ جبريل‬oo khudbadna jeediyay, markhaatina waxaa ka ahayd Malaa'igta,
waligeeduna wuxuu ahaa aabeheed Aadan‫آدم‬. Ilaahay wuxuu Shiith gabadhaas ka siiyay ubad
intuu isaga aabihiis wali nolol ku sugnaa.
Shiith\‫ شيث‬wuxuu noolaa oo uu cumrigiisu gaaray sagaal boqol iyo laba iyo toban sano".
Waxaa kaloo la yiri Sagaal boqol iyo labaatan sano, wuxuuna dhintay markay soo degidda
Aadan‫ آدم‬kasoo wareegatay kun iyo labo iyo afartan sano.
Shiith\‫ شيث‬Waxaa lagu duugay hogga ku yaalla buurta Abuu Qubays \‫( جبل أبوفبيس‬Oo Kacbada
agteeda ku taalla, haddase qaar la jebiyay oo guriga boqorka laga dhisay.
Y a a n i s h\‫يانش‬/A n u u s h\‫أنوش‬
Kaddib markuu Ilaahay u waxyooday inuu wiilkiisa Anuush\‫ أنوش‬doorto oo uu u dardaarmo,
wuxuu Shiith\‫ شيث‬ogaaday in geeridiisa loo sheegay oo uu dhimanayo. Sidaas ayuu Shiith \‫شيث‬
u dardaarmay wuxuuna khaliif ka dhigtay umuuraha maareeya isaga dabadiis, wiilkiisa
Anuush‫أنوش‬. Waxaa kaloo la yiri wiilka magaciisu waa Yaanish\‫يانش‬. Waxaa kaloo la yiri waa
Anash\‫أنش‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Anuush\‫ أنوش‬waxaa weeye Al Saadiqu\‫ الصادق‬oo macnihiisu yahay kan runlowga ah, afka
Carabigana waxaa lagu yiraahdaa Anash\‫أنش‬."
Mughlaadhay‫ مغالطي‬wuxuu yiri:
"Waa Yaanish\‫ يانش‬oo macneheedu yahay Al Saadiqu\‫الصادق‬, kan runlowga ah, siduu u xusay
kitaabka Al Nuuru\‫"النور‬.
Yaanish\‫ يانش‬ayay madaxtinnimada khalqigu usoo wareegtay aabihiis dabadiis, hawshaasoo uu
sidii aabihiis oo kale ugu qumay.
353
Yaanish\‫ يانش‬wuxuu lahaa dhererka iyo caddaanta iyo quruxda aabihiis, wuxuuna noolaa
sagaal boqol iyo konton sano. Waxaa kaloo la yiri sagaal boqol iyo labaatan sano. Waxaa
ayadana la yiri sagaal boqol iyo shan iyo lixdan sano.
Shiith\‫ شيث‬wuxuu wiilkiisa Yaanish\‫ يانش‬kala dardaarmay inuusan nuurkaan, oo wajiga Aadan
\‫ آدم‬sida qorraxda uga nuurayey, ku wareejin waxaan ahayn haween daahirad ah mooyee.
Sidaas ayuu dardaarankaasi u taagnaa, oo uu facba faca ku xiga ugala dardaarmayey. Sidaas
ayuu markaasi rag suuban iyo haween daahiraad ah isugu gudbiyeen ilaa uu uga soo gudbo
Cabdi Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo wiilkiisa Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬.
Markaasuu Ilaahay ugu nicmeeyey inuu nuurkaasu u wareego oo ay ku liibaanto Aaminah
bintu Wahab\‫آمنة بنت وهب‬, Allaha raalli ka noqdee, hooyada dhashay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Xilalka Jibriil\‫جبريل‬, Miikaa'iil\‫ميكائيل‬, Israafiil\‫ إسرافيل‬iyo Malaku Al Mawti\‫ملك الموت‬
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Abuu Al Shaykh\‫ أبوالشيخ‬waxay Ibnu Cabbaas
\‫ إبن عباس‬ka wariyeen inuu yiri:
"Ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meel joogo, uuna Jibriil\‫جبريل‬
la jooga, ayaa waxaan dhanbalantay Samada. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬is galay oo uu yaraaday,
dhulkana usii dhowaaday. Markaasaa Malag wuxuu soo hor istaagay labada gacnood ee
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hortooda wuxuuna yiri:
"Muxammadow, Rabbigaa waa ku salaamayaa, wuxuuna ku kala doorsiinayaa inaad ahaato
Nabi Boqor ah ama Nabi addoon Ilaahay ah."
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫" فعرج ذلك الملك إلى‬.‫ "نبيا عبدا‬:‫ فقلت‬.‫ فعرفت أنه لي ناصح‬.‫ أن توضع‬:‫"فأشار جبريل إلي بيده‬
‫ فمن‬.‫ فرأيت من حالك ما شغلني عن المسألة‬،‫ قد كنت أردت أن أسألك عن هذا‬،‫ "يا جبريل‬:‫ فقلت‬.‫السماء‬
‫ بينه وبين الرب‬،‫ لم يرفع طرفه‬،‫ صافا قدميه‬،‫ خلقه هللا يوم خلقه‬،‫ "هذا إسرافيل‬:‫هذا يا جبريل؟" قال‬
‫ فإذا أذن هللا في شيئ من‬.‫ بين يديه اللوح المحفوظ‬.‫ ما منها نور يدنو منه إال إحترق‬،‫سبعون نورا‬
‫ وإن‬،‫ فإن كان من عملي أمرني به‬:‫ فينظر فيه‬.‫ ارتفع ذلك اللوح فضرب جبهته‬،‫السماء أو في األرض‬
‫ وإن كان من عمل ملك الموت أمر به" قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬،‫كان من عمل ميكائيل أمره به‬
:‫ "وعلى أي شيئ ميكائيل؟" قال‬:‫" قال‬.‫ "على الرياح والجنود‬:‫ "على أي شيئ أنت؟" قال‬:‫لجبريل‬
‫ وما ظننت أنه‬.‫ "على قبض األرواح‬:‫ "وعلى أي شيئ ملك الموت؟" قال‬:‫" قال‬.‫على النبات والمطر‬
".‫ وما ذاك الذي رأيت مني إال خوفا من قيام الساعة‬.‫هبط إال بقيام الساعة‬
"Fa ashaara Jibriilu ilayya bi yadihi: an tawaadac. Fa caraftu annahu lii naasixun. Fa
qultu: "Nabiyyan cabdan". Fa caraja thaalika al Malaku ilaa Al Samaai. Fa qultu: "Yaa
Jibriilu, qad kuntu aradtu an as'alaka can haathaa, fa ra'aytu min xaalika maa
shaghalanii cani al mas'alati. Fa man haathaa yaa Jibriilu? "Qaala: "Haathaa Israafiilu,
khalaqahu Allaahu yawma khalaqahu, saaffan qadamayhi, laa yarfacu dharfahu,
baynahu wa bayna Al Rabbi sabcuuna Nuuran, maa minhaa nuurun yadnuu minhu illaa
ixtaraqa. Bayna yadayhi Al Llawxu Al Maxfuuthu. Fa ithaa athina Allaahu fii shay'in
354
mina Al Ssamaa'i aw fii al ardi, irtafaca thaalika Al Llawxu fa daraba jibhatahu. Fa
yanthuru fiihi: fa in kaana min camalii amaranii bihi, wa in kaana min camali
Miikaa'iila amarahu bihi, wa in kaana min camali Malaki Al Mawti amara bihi". Qaala
Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, li Jibriila: "Calaa ayyi shay'in anta?"
Qaala: "Calaa al rriyaaxi wa al junuudi". Qaala: "Wa calaa ayyi shay'in Miikaa'iilu?"
Qaala: "Calaa al nnabaati wa al madhari". Qaala: "Wa calaa ayyi shay'in Malaku Al
Mawti?" Qaala: "Calaa qabdi al arwaaxi. Wa maa thanantu annahu habadha illaa bi
qiyaami Al Ssaacati. Wa maa thaaka allathii ra'ayta minnii illaa khawfan min qiyaami Al
Ssaacati."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬gacantiisa iigu tilmaamay: tawaaduc\‫ توضع‬oo Ilaahay isu jejebi oo
addoonnimo dooro. Markaasaan waxaa ogaaday inuu waano fiican i siiyey. Markaasaan
waxaan iri:
"Waxaan doortay inaan ahaado Nabi adoon ah".
Markaasuu Malaggaasu Samada kor u tafay oo galay.
Markaasaan waxaa iri:
"Jibriilow\‫جبريل‬, waxaan doonayey inaan xagga Malaggaan kaa wareysto, markaasaan
xaaladdaad ku sugan tahay waxaan ka arkay wax iga shuqliya wareysiga. Hadaba kani waa
kuma?"
Wuxuu yiri:
"Kani waa Israafiil\‫إسرافيل‬. Ilaahay wuxuu abuuray maalintuu abuuray isagoo ay labadiisa
lugood saffan yihiin, indhihiisana aan kor u qaadeyn. Isaga iyo Rabbina waxaa u dhexeeya
toddobaatan nuur, oo mid kastoo ka mid ah oo uu u dhowaado ee illaa waa kii gubta. Waxaa
labadiisa gacnood hortooda ah Lawxul Maxfuuthka\‫ اللوح المحفوظ‬. Markaas haddu Ilaahay ithmo
wax Samada ku sugan ama arliga dhexdiisa ah, Looxaas kor ayuu usoo kacaa markaasuu
wajigiisa ku dhacaa. Markaasuu Malaggu Looxa fiiriyaa: hadday waxaas la ithmay ka mid
yihiin aniga hawshaydana, aniguu markaas Israafiil\‫ إسرافيل‬i amraa inaan fuliyo. Hadday
waxaasi ka mid yihiin hawsha Mikaa'iilna\‫ ميكائيل‬isaguu amraa oo ku kaca. Hadduuse yahay
wax ka mid ah hawsha Malakul Mawtkana\‫ ملك الموت‬isaguu amraa oo ku dhaqaaqa."
Rasulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri:
"Adigu maxaad u xilsaaran tahay?"
Wuxuu yiri: "Dabaylaha iyo askarta".
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Miikaa'iilna\‫ ميكائيل‬muxuu u xil saaran yahay?"
Wuxuu yiri:
"Dhirta iyo roobka."
Taasi macneheedu waxaa weeye inuu Malag walba madax u yahay Malaa'igta hawshaas la
qabata.
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Malaku Mawtku\‫ ملك الموت‬muxuu u xil saaran yahay?"
Wuxuu yiri:
355
"Qabashada arwaaxda".
Lafdi kalena wuxuu ku yiri:
"Qabashada nafafka", wuxuuna leeyahay gacan yarayaal. caawina, siduu Ilaahay Tacaalaa
\‫ تعالى‬Aayadda kow iyo lixdanaad ee Suuratu Al Ancaami\‫ سورة األنعام‬ku yiri:
‫هللا‬
‫ت تََوفَّتْهُ ُر ُسلَُنا‬
ُ ‫َح َد ُك ُم اْل َم ْو‬
َ ‫اء أ‬
َ ‫ِإ َذا َج‬
"Ithaa jaa'a axadakumu al mawtu tawaffathu rusulunaa(61)",
oo macneheedu yahay:
"Markuu u yimaado midkiin mawtku waxaa oofsada Malaa’igteenna(61)".
Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu yiri:
"Umana aanan malayn inuu lasoo degay -waa Israafiile- waxaan ahayn inay Saacaddi dhacday
mooyee. Waxaas aad xaaladdayda ka aragtayna ma ayan ahayn waxaan cabsi ahayn aan
istaagidda Saacadda ka baqo."
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo Xakiim\‫ الحكيم‬waxay Xadiithkaan yiraahdeen waa saxiix, sanadkiisuna
saxiix yahay.
Afarta Waziir ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Al Tarmathii‫ الترمذي‬iyo Al Xaakim\‫ الحكيم‬waxay ka wariyeen Abuu Saciid Al Khudriyyi ‫أبوسعيد‬
\‫ الخدري‬inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
،‫ فوزيري من أهل السماء جبريل وميكائيل‬.‫ ووزيرين من أهل األرض‬،‫"إن لي وزيرين من أهل السماء‬
".‫ووزيري من أهل األرض أبوبكر وعمر‬
"Inna lii waziirayni min ahli Al Ssamaa'i, wa waziirayni min ahli al ardi. Fa waziirayya
min ahli Al Ssamaa'i Jibriila wa Miikaa'iila, wa waziirayya min ahli al ardi Abuu Bakara
wa Cumara."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan leeyahay labo wasiir oo ehelka Samada ka mid ah iyo labo wasiir oo ehelka arliga ka
mid ah. Labadayda waziir ee ehelka Samadu waa Jibriil\‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil\‫ميكائيل‬. Labadayda
waziir ee ehelka arligana waa Abuu Bakar‫ بوبكر‬iyo Cumar‫عمر‬."
Al Bazaar\‫ البزار‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Abuu Nucaym\‫ أبونعيم‬waxay ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬ka wariyeen inuu yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ أبوبكر‬:‫ وإثنين من أهل األرض‬،‫ جبريل وميكائيل‬:‫ إثنين من أهل السماء‬:‫"إن هللا أيدني بأربعة وزراء‬
".‫وعمر‬
"Inna Allaaha ayyadanii bi arbacati wuzaraa'i: ith-nayni min ahli Al Ssamaa'i: Jibriila
wa Miikaa'iila, wa ithnayni min ahli al ardi: Abuu Bakra wa Cumara",
356
oo macneheedu yahay:
"Ilaahay wuxuu igu xoojiyay afar waziir: laba ehelu Samada ka mid ah: Jibriil‫ جبريل‬iyo
Miikaa'iil‫ ميكائيل‬, iyo laba ehelu arliga ka mid ah: Abuu Bakar‫ أبوبكر‬iyo Cumar‫"عمر‬.
Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:
"Waxaa Xadiithkaas ku sugan daliil inuu Al Musdhafaa\‫المصطفى‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Jibriil‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil‫ ميكائيل‬ka sarreeyo oo ka fadli badan yahay, oo waziir
wuxuu ka yimid al wizru oo ah culayska, oo wazirku Boqorka ayuu ka xambaaraa culayskiisa,
siduu Ilaahay Tacalaa\‫هللا تعالى‬, isagoo Muuse\‫ موسى‬ka warramaya, ugu yiri Aayadda sagaal
iyo labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\‫سورة طه‬:
)51( ‫َهلِي‬
‫اج َع ْل لِي َوِز ًا‬
ْ ‫ير ِم ْن أ‬
ْ ‫َو‬
"Wa ajcal lii waziiran min ahlii(29)",
oo macneheedu yahay:
"Iina yeel waziir ehelkeyga ka mid ah(29)."
Abuu Yaclaa\‫ أبويعلى‬iyo ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬waxay Abuu Tharr al Ghifaariyyi \‫أبوذر الغفاري‬
ka wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ ووزيري وصاحبي أبوبكر وعمر‬،‫"إن لكل نبي وزيرين‬
"Inna li kulli Nabiyyin waziirayni, wa waziirayya wa saaxibaayya Abuu Bakr wa
Cumar".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Nabi Walba wuxuu leeyahay laba waziir, aniga labadeyda waziir iyo labadeyda saaxiib waa
Abuu Bakar‫ أبوبكر‬iyo Cumar‫عمر‬.”
Waxaa sidaas noogu dhammaaday kitaabkaan ”Siduu Ilaahay u sharfay Nabigiisa Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Wa al xamdu li Allaahu Rabbi al caalamiina, wa
Sallaa Allaahu calaa Sayyidiinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa saxbihi wa
Sallam tasliiman kathiiran.
357
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu ku dashay Gaalkacyo degmadaasoo uu aabihiis
qaalli ka ahaa, dayrtii la magac baxday Hoobaaq. Hoobaaq waa beel daaqsiin ah oo ka mid ah
dooxada Golol, halkaasoo ay eedi ku kala gaartay labada qabiil ee Cumar Maxamuud iyo
Sacad dayrtaas, eedaasoo bilaabatay 1943 socotayna ilaa 1944. Xasanweli wuxuu u dhashay
Shiikhaal Looboge, oo ah Quraysh, ayagoo ah ubadka Abuu Bakar Al Ssddiiqu, Saaxiibka iyo
ina adeerka iyo soddogga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Looboge
aabihiis Fiqi Cumar wuxuu ku noolaa Boqortooyada Harar siday u warisay tirada lix boqol iyo
sagaal iyo afartan ee wargeyska dalka Sucuudiga kasoo baxa ee la yiraahdo Al Muslimuuna,
soona baxay maalinta Jimce ee toddobada bisha Rabiicu al Awwal ee sanadka Hijriga ah ee
kun iyo afar boqol iyo sideed iyo toban, una dhigantah kow iyo tobanka bisha Luulyo ee
sanadka kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo sagaashanka, boggiisa tobanaad. Yuusuf Cabdu
Al Raxmaan Shiikh oo maqaaladaas qoray wuxuu ku yiri: "Kaddib markay saliibiyiinta
krishtaanka ahi ay gacanta ku dhigeen Bayti Al Maqdis, dhammaadka qarniga shan iyo
tobnaad ee Miilaadiga ah iyo dhammaadka kan shanaad ee Hijriga, ayna ku sugnaadeen
Shaam, ayna gacanta ku dhigeen Khaliiju Al Caqabah ee ku dara Badda Cas, ayay krishtaanku
waxay raadiyeen cid ay is gaashaanbuursadaan, oo Badda Cas xagga koofureed uga goysa.
Markaasey waxay heleen xabshada krishtaanka ah oo ay markaas gaashaanbuur la noqdeen,
ayna kula heshiiyeen inay iska kaashadaan la dagaallanka islaamka iyo muslimiintaba, kuna
gaaray taas inay xabashadu kusoo duusho oo ay qabsato Boqortooyada Islaamka ee Harar,
taasoo gogol dhig u noqoneysa ku duulidda Xijaaz iyo duminta Kacbada la Sharfay. Sidaas
ayayna ku heshiiyeen. Markaasey xabashadu waxay kusoo duushay Harar, waxaana usoo
baxay oo ka hortegey Al Shiikh Abaadir oo soomaalidu u taqaanno Fiqi Cumar, ahna aabaha
dhalay Aw Qudhub. Markaasuu Amiir Cumar bin Shamsu Al Ddiin (oo ah Fiqi Cumar) si xun
u jebiyay oo ka adkaaday. Markaasey xabshadu waxay ka gargaar iyo gurmad dalbeen
gaashaanbuurtooda krishtaanka ah. Qaylo dhaankoodaas waxaa kasoo jawaabay Richard the
Lion-heart oo ahaa boqorka ingiriiska, ahaana maareeyaha hawlaha ka socday bariga dhexe
"Bariga Carabta". Richard wuxuu soo diray ciidammadiisa ka kooban burtuqiis iyo talyaani, si
ay xabashada ugu gargaaraan. Ciidammadaani waxay gacanta ku dhigeen oo qabsadeen
dekadaha ay Harar lahayd oo ah Zaylac iyo Barbara iyo Bulaxaar, kuwaanoo hadda ku yaalla
gobolka waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Ciidammadaasu waxay soo gaareen ilaa dusha
magaalada Harar. Markaasey Imaarada Makkah Al Mukarramah iyo Yaman ayay waxay Harar
usoo direen ciidammo gurmad ah. Sidaas ayay ciidammada Islaamku uga adkaadeen kuwa
krishtaanka ah, uusanna krishtaamiinta Shaam uga laaban hal askariba ha ahaadee, ayadoo
dhammaantood lagu laayey inta u dhexeysa Harar iyo Muqdisho iyo Barbara. Muqdisho waxay
Harar usoo dirtay gurmad ahaan fardo iyo hub." Xasanweli wuxuu 1970 ka qalin jebiyay
Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu ku bartay takhtarnimada xoolaha.
Kaddib wuxuu noqday macallin Dugsiga Sare ee Xasan Barsane ee Muqdisho, Macallin
Kulliyada Daawada Xoolaha ee Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaan Golaha
Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee Dawlado Yurub ah, kaddibna
wuxuu ku wareegay Jaamacadda Dawladaha Carabta, uuna noqday Danjireheeda Kenya, iyo
Danjireheeda Qarammada Midoobay ee Vienna. Kaddib wuxuu soo degay USA, wuxuuna
noqday Macallin Dugsiga Sare ee English High School ee Boston, Baare Shareecada Islaamka
ee Islamic Legal Studies Program ee Harvard Law School ee Harvard University ee
Cambridge. Siirada Ibnu Hishaam ayuu soomaali ku tarjumay 180 cajaloodna ku duubay.
Kaddib wuxuu ilaa sideed sano ka ahaa imaam masjidyada xabsiyada ku yaalla gobolka
Massachusetts oo ay Boston caasimadda u tahay ee dalka maraykanka, halkaasoo uu dadka
358
xabbisan ku salaadana tujin jiray, barina jiray diinta islaamka, hortiisana ay ku islaameen
khalqi badan oo rag iyo dumarba leh, uuna shahaadada xaqqa ah u mariyay, mahaddana
Ilaahay ayaa iska leh.

Similar documents

Qisooyinka Anbiyada

Qisooyinka Anbiyada ‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬ Aaraarta dhigaha kitaabka ‫ وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬ ‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آ...

More information

Nuurka Quluubta

Nuurka Quluubta Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam\‫سيرة...

More information

Siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa

Siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa 46. Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan 47. Islaamidda Zayd bin Xaarithah

More information

barashada fagaagga sare adduunka

barashada fagaagga sare adduunka adduunka. Haddii habeen mugdi ah, oon cirka aan caad saarnayn intaan meel dibada u baxno aan cirka eegno, waxaa hubaal ah in ay su’aalo badan inagu abuurmaan. Su’aalaha aynu is waydiin karno waxay ...

More information

Cuqbah bin Caamir Al Juhanii عقبة بن عامر الجهني رضي هللا عنه

Cuqbah bin Caamir Al Juhanii عقبة بن عامر الجهني رضي هللا عنه Al Ziriklii\‫ الزركلي‬wuxuu Al Qaahirah\‫ القاهرة‬ku dhintay 1396H/1976Miilaadiga. Al Ziriklii\‫ الزركلي‬wuxuu kitaabkiisa Al Aclaamu‫ األعالم‬mujalladka afaraad, bogga laba boqol iyo afartan ku yi...

More information