Gorfaynta Qaamuuska Cusub ee Af

Transcription

Gorfaynta Qaamuuska Cusub ee Af
Gorfaynta Qaamuuska Cusub
ee Af-soomaaliga1
Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
[email protected]
Bilawgii 2004ta waxa qoraal lagu faafiyey degellada iyo ardaayada ay
Soomaalidu ku leedahay internetka. Qoraalkaas waxa soosaaray Agaasimaha
Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista dalka Jabbuuti, waxaanu tibaaxay
inuu Machadku soobandhigay Qaamuus cusub oo uu soo ururiyey Saalax
Xaashi Carab. Qoraalkaasi waxa kale oo uu ku baaqay in wixii talo iyo toosina
ee la hayo loo soo gudbiyo Machadkaa isaga ah si ay daabacaadda dambe u
noqoto midaan turxaan lahayn. Buuggaasi wuxu haddaba gacantayda soo galay
bishii toddobaad ee kal hore horraanteedii. Markii aan si wacan uga baaraan
degey waxay ila noqotay inaan arrimo badan wax ka idhaa. Ugu horrayn waxan
dhawr erey ka odhanayaa bilicda buugga. Ku talaxtegimaayee, waxan si kor
xaadis ah uga hadlidoonaa mahadhadii Af-soomaaliga iyo heerarkii kala
duwanaa ee uu kasoo gudbey iyo go'aannadii wax-ku-oolka ahaa ee ay
guddiyadii Afsoomaaligu gaadheen. Waxan si aan turxaan lahayn u gorfayn
aragtida uu buuggu ku salaysan yahay, waxa kaloon eegi wuxuu buuggu dhib
iyo dheefba soo kordhiyey. Ugu dambaynta waxan ku soo gabagabayn
dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax looga qabto, lana
filayey inuu qoruhu wax ka yidhaa.
Bilicda Qaamuuska:
Aan ku bilaabee, milicsigii u horreeyey isheydu way ku doogsatay bilicda iyo sida quruxda badan ee loo
daabacay buugga. Laysma hagradee waxan runtii qirayaa in xoog iyo xoolo badanba loo hurey hirgelinta
iyo soosaaridda buugga. Waxan filayaa iney hawshani hormood u noqoto kaalintii ay dawladda iyo dadka
reer Jabbuuti ku lahaayeen kobcinta iyo hormarinta Af-soomaaliga.
Mahadhada Af-soomaaliga:
Ka hor 21kii Oktoobar ee 1972kii, dad badan oo Soomaali iyo
shisheeyaba leh baa isku hawlay sidii Af-soomaaliga loo qori
lahaa. Ha ugu horreeyo Sheekh Yuusuf Al-kawniin oo ah ninkii
bilaabay Alif la kordhabey iyo kuwii faraha badnaa ee ka
dambeeyey, haddii aan qaar ka magacaabana, ay ka mid ahaayeen
Muuse X I. Galaal, Cismaan Keenaddiid, B. W. Andrzejewski,
Maxamed Cabdi Makaahiil, Shire Jaamac Axmed, lbraahim
Xaashi Maxammuud, M.M.Moreno, C.R. V.Bell, L. E. Armstrong,
Cabdullaahi Xaaji Maxammuud, B.Panza, iyo Cabd- raxmaan Sh.
Nuur. Aqoonyahannadaasi waxay dhammaan ka midaysnaayeen
qoridda af-soomaaliga. Hayeeshee, waxay ku kala tagsanaayeen
farta lagu qorayo iyo qaabka xarfaha qaarkood loo qorayo. Tusaale
ahaan, inta rabtay in xuruufta laatiinka la qaataa meelo badan ayey
ku kala duwanaayeen sida tirada xarfaha iyo qaabka xarfaha qaar
loo qorayo. Kuwa far carabida rabayna sidaasoo kalay ahayeen
sida ka muuqata shaxda aan halkan ku soo ladhay kana soo
dheegtey buugga la yidhaa: the modernization of Somali
1.
Waxa qoray Saalax Xaashi Carab
1
Vocabulary, ee uu qoray "Caney, John Charles soonabaxay 1984kii ".
Go'aankii Guddidii La Qabtay 1961kii:
Sida dad badani ka warqabaan, 1961kii, kolkii Calanka la qaatay kadib, waxa la abuuray guddi uu
guddoomiye u ahaa Alla haw naxariistee Muuse X. Ismaaciil Galaal kana mid ahaayeen rag badan oo
aqoon yahanno ahaa. Guddidaasi oo hawsha loo diray ahayd iney ka soo baaraan degto Farahaas oo dhan,
go'aanna ka soo gaadho farta ugu habboon ee lagu qori karo Af-soomaaliga. Guddidu umay codeyneyn in
afka laatiinka lagu qoro ama carabi ee waxa ay eegayeen dhawr arrimood. Mar uu Muuse Galaal u
warramayey laanta Af-soomaaliga ee B.B.Cda wuxu sheegey iney ku xulanayeen Farta loo baahan yahay
dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, quruxda afka iyo fudeydka. Isaga oo arrimahaas sii
faahfaahinaya waxa uu yidhi, " Marka aannu dhaqaalaha ka eegeyno, waxaanu eegeynaa waxay dhibaato
dhaqaale keeni karto fartaasi." Tusaale ahaan buu yidhi, "Haddii la qaato farta Cismaaniyada waxa lagama
maarmaan noqonaysa in kolkiiba la wada beddelo makiinadaha wax lagu qorto, madbacadaha, kuwa
taararka lagu diro, iwm." Taasi waxay u baahan tahay buu yidhi dhaqaale farabadan oo aanay dawladda
Soomaaliyeed awood u lahayn. Inta hawshaa lagu fooganyahayna adduunka ayeynu ka hadhaynaa buu
raaciyey marxuunku. Fudeydka farta isaga oo ka hadlayana wuxu yidhi, "Dadka badankiisu laatiinka wey
wada yaqaannaan, barashadeeduna wakhti badan ka qaadanmayso." Halkaas waxa kaaga cad inaan la
eegeyn dan qof, dan reer, cid lagu ralligelinayeyna jirin ee mar kasta laga hormarinayey danta guud. In
kasta oo ay guddidu go'aankeedi soo saartay haddana dawladihii Soomaaliyeed ee dalka soo maamulay
kumay guuleysan iney yeeshaan kudhac lagu meel mariyo go'aankaasi.
21kii Oktoobar iyo qoriddii Af-soomaaliga:
11 gu' kadib ayuu Maammulkii ciidammada Soomaaliyeed go'aansaday in la hirgeliyo go'aankii waagaa oo
ahaa in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka. Kudhacaa adagi wuxuu soo af-jaray murankii iyo
dhabbacashadii dhabarku muuqdey ee layskula dhex meereysan jirey. Waxana loo dhaqaaqay dhinac
qudha. Ujeeddo kastaa ha ka dambaysee, wuxu go'aankaasi meesha ka saaray inuu qofba sheegto in fartiisii
la qaatay. Waayo waxaad arkaysaa iney mid kasta meel uga egtahay meel kalana uga duwantahay.
Go'aankaasi waxa uu isku dubbariday aqoonyahannadii midba meel ujeedey. Waxana loo wada dhaqaaqay
horumarintii afka.
Go'aannadii guddida Af-soomaaliga:
Guddidu waxay go'aamisey iney xuruufta af-soomaaligu ka koobnaandoonaan 21 shibbane, 5 shaqal oo
gaaban iyo Firgin (').
A B C D DH
L M N O Q
E F G H
R S SH T
I J K KH
U W X Y ’
Waxa kale oo jira shan (5) shaqal oo dhaadheer oo kala ah AA EE II OO UU oo ah shanta gaaggaaban oo
la labanlaabay.
Guddidu waxa kale oo ay go'aamisey iney toddobada xaraf ee kala ah b, d, g, l, m, n, r ay laban laabmaan.
Xarafka 'dh' way ogaayeen inuu laban laabmo tusaale ahaan: gabadh = gabadhdha. Hayeeshee ayaka oo ka
eegaya dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca quruxda afkaba waxay go'aansadeen inaan la labanlaabin.
Markii qaamuuskii u horreeyey la dejinayey, guddidu wey ka noqotay habkii kala horreysiinta farsoomaalida ee ahayd "B, T, J, X, ..." waxana la guddoonsadey in la raaco fartana loo kala hormariyo sida
ay afafka kale ee laatiinka qaatayba u raaceen (Keenadiid 1976). Xilligaa wixii ka dambeeyey,
qaamuusyadii soo baxay oo dhammi waxay ku dhisaallanyihiin aragtidaa iyada ah. Tiraba qaamuuska
Saalax mooyee waxa qoraal-yaalkayga laga helayaa sagaal kale dhammaantoodna waxay ku salaysanyihiin
habka aynu ka hadlayno. Qorayaashu waxay tixgelin weyn siiyeen go'aannadii aan sheegney. Waxa,
haddaba, waxa aad loola yaabo ah sida uu Saalax ku keenay arrintan, ugana dhigayo aragti uu isagu
leeyahay oon hortii cidiba ka hadal.
2
Aragtida uu abwaankani (qaamuusakani) ku dhisaalan yahay:
Abwaan (Qaamuus) ahaan maaha kii u horreeyey ee wuxuu noqonayaa kii saddexaad. Waxa ka horreyey
labada abwaan ee ay kala qoreen Dr. Yaasiin Cismaan Keenaddiid iyo Cabdulqaadir F. Bootaan. Bilicda
ka sokow dhawr arrimood buu Abwaankani (Qaamuuskani) kaga duwan yahay kuwaa. Labadaa abwaan
(qaamuus) ee hore waxay ku dhisanyihiin go'aammadii guddida Af-soomaaliga. Aragti kasta oo la doonayo
in la meel mariyo waa laga wada tashanjirey, dood baana layskaga hor imanjirey. Aqoonna waa laysku
qancinjirey. Soo saarka aragtiyahaasi cusubina waxay u badnaayeen qaar aan lagu mergen. Hayeeshee,
abwaankan waxa ka muuqata inuu ku dhisan yahay aragti qof qudhihi leeyahay.
Sida ku xusan qoraal laga diyaariyey shirkii qorayaasha, ee lagu qabtay magaalada Jabbuuti gu'gii 2002da,
oo ladhkiisu ahaa: Shirka hal-abuurka Soomaaliyeed ee Djibouti, laguna faafiyey degelka sumaddiisu
tahay: http://www.hamarev.comlindeLPhp/articleview/1323/1/8. wuxuu qoruhu soo bandhigey buug
xambaarsan aragtiyaha abwaankan (qaamuuskan) ka muuqda. Aragtiyaahaasi waxa ka mid ah in la
labanlaabo xarfaha Dh, F, J, Q, S, X, Y, iwm. Tusaale ahaan, affafka, wixxii, fadhdhi, wuxxuu,muqqummad
iwm.
Waxa kale oo uu qoraalku tilmaamay inuu qoruhu
buuggiisa ku soo jeediyey in guud ahaan xuruufta
afka Soomaaliga ee 21-ka ah laga dhigo 22 xaraf oo
lagu kordhiyo xarafka Hamzada Carabtu u taqaan.
Ugu dambeyntii wuxuu qoruhu soo jeediyey in
xuruufta af Soomaaliga loo kala hormarsho sida
afafka kale ee ku qoran Laatiinka.
Runtii, higgaadda af Soomaaligu maaha 21 sida
qoraalkani sheegayo. Higgaadda afku waa 32 xaraf.
21 shibbane, 5 shaqal oo gaaban, 5 shaqal oo dheer
iyo Firgin (Hamza). Haddii uu qoruhu u jeedey
Firginka ha lagu daro shibbanayaasha, waxa marka
hore qumman inaan ogaanno in firginku leeyahay
sumaddii iyo sawricii shibbanaha iyo in kale? Haddii
uu yeesho waa runtii ee ha lagu daro. Haddii uu
yeelan waayase laguma qobtolikaro.
Si aan u helno sumadda iyo sawraca Shibbanaha waa
inaan ka warcelinnaa weydiinta ah: waa maxay
shibbane ama shaqal? Shibbane waa dhawaaq afka ka
soo baxa sida 'g' 'd' '1' 'r', iwm. oo la cesho oon iska
socon. Halka uu shaqalku ka yahay dhawaaq sida ‘o',
'u', 'a', 'i', iyo 'e' oo kolka la odhanayo uu afku
furanyahay. Sidaasi awgeed ayey aqoonyahannada
kala ah Lilias Armstrong (1934), Muuse Galaal iyo
B.W.Andrzejewski(1956) iyo Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli (1999) ay u haystaan inuu
shibbane yahay, guddidii af Soomaaliguna aanay ugu
darin shaqallada ee horeba u ahaa una yahay
shibbane.
Waxa ay weliba Mansuur iyo Puglielli si cad ugu sheegeen buuggoodaasi oo la yidhaa 'Barashada
Naxwaha A.f Soomaaliga' in tirada shibbanayaasha Af Soomaaligu tahay 22.
Waxa halkaa innooga muuqata inaanu qoruhu haba yaraatee la socon una dhuun daloolin go'aannadii iyo
heerarkii uu afku soomaray marka uu leeyahay xarfaha kor ku xusan ha la labanlaabo ama higgaadda ha loo
kala hormariyo sida laatiinka. Waxa kale oo cad inuu qoruhu sheeganayo aragtiyo looga horreeyey marka
uu ku doodayo in Hamzaha lagu daro far Soomaalida. Midda la yaabka lihi waxay tahay sida uu u dhaadiwaayey habka uu u qoranyahay Qaamuuska af Soomaaliga ee Yaasiin Keenadiid oo ah habka uu ku
3
doodayo in farta loo kala hormariyo. Inkasta oo uu qoruhu sheegey inuu raadraacay Qaamuuska Yaasiin,
waxa, haddana, dooddiisa ka muuqata inuusan hordhaca buuggaba akhriyin.
Sida qoraalka ku cad, markii aragtidaa Saalax laga doodayey, waxa sooyaalkii iyo heerarkii uu soomaray af
Soomaaligu si hufan oo kooban u dul maray Aw Jaamac Cumar Ciise oo caan ku ah ururinta mahadhada
Soomaaliyeed. Waxana la ogyahay in kolkii arrintaa la falanqeeyey la isku raaciwaayey. Machadka Afafka
iyo Cilmibaadhista Jabbuuti ayey, haddaba, ahayd inuu tixgelin gaar ah siiyo go'aankaasi iyo kuwii hore u
jireyba. Hayeeshee, Machadku wuxuu u janjeedhsaday dhankii laga batay. Gefka uu qoruhu galay waxa ka
weyn ka Machadka Cilmibaadhistu uu galey, kaas oo ah inaanu hubin, tixgelinna siin, wixii shirkaasi laga
soo jeediyey. Waxaanay ahayd in aragtiyaha uu qoruhu leeyahayna la sheego, wixii hore go'aanno uga
soobaxeen ama dadkale lahaayeenna la xuso. Taasi waxay cid walba awood u siineysaa inuu tallan ka galo
heerka iyo habka aqoonbaadhiseed ee xubnaha Machadka!
Qoruhu wuxu ku doodayaa inuu helay habka farcanka ereyada iyo is rogrogga falalka Soomaaliyeed. Waa
arrin la yaab leh. Haddii uu leeyahay si hawl yar oo loo raadin karo ayaan u habeeyey waa arrin la qaadan
karo. Hayeeshe, anigaa helay inuu yidhaa waa midh af ka weyn. Dhawr abwaan oo jira ayaa lagu
adeegsaday isrogrogga falalka iyo farcanka ereyadaba. Tusaale ahaan, abwaanka la yidhaa Dizionario
Somali-Italiano (1985) oo ay wada qoreen Agostini, Francesco, Annarita Puglielli iyo Ciise Maxamed
Siyaad, soona wada saareen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Akademiyada cilmiga fanka iyo
suugaanta iyo Universita Degli studi di Roma “La Sapienza” waxa si buuxda loogu adeegsaday labada
arrimood ee uu qoruhu ku tookhayo heliddooda. Waxana loo qoray sida tusahan ka muuqata.
Waxa halkaa innooga cad in aqoonyahannadii dejiyey
abwaankani ay adeegsadeen isrogrogga falka una adeegsadeen
si fufud ood kolkaad ereyga eegtaba garanayso isrogroggiisa.
Halka uu Qoraha Qaamuuska cusubi ka sameeyey shaxo laga
baadhayo ereyga, buugga xaggiisa bambana lagu qoray.
Markaa miyaan odhan karraa Saalax waxa uu helay qaabka
ama xeerka isrogrogga falalka Soomaaliyeed? Haddii aan
hortii cidi adeegsan, waxay noqon lahayd arrin aan cidina
kaga masuugteen laguna hambalyeyn lahaa.
Waraysi uu qoruhu siiyey degelka sumaddiisu tahay www.
bulxan.com wuxuu ku sheegey inuu wada akhriyey dhammaan
wixii buugaag hortii la qoray siiba qaamuuska Yaasiin
Cismaan Keenadiid. Hase yeeshee, Qaamuuska cusub laguma
muujin wax buugaag ah oo la tixraacay. Hadal iyo
dhammaantii, in hawl uu qof kale qabtay ama ku hawshooday
la sheegtaa rugaha aqoonta adduunka waa arrin ka reebban.
Dizionario Somali-Italiano
Qodobbada af Soomaaliga iyo aragtida qoraha:
Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu leeyahay laba qodob oo isbedbeddela, kuwaas oo kala ah: -ka iyo -ta.
Qodobka hore wuxuu raacaa magacyada lab. Kan labaadina kuwa dheddig. Tusaale ahaan:
Wiil + ka = Wiilka
Inan + ta = Inanta.
Xarafka -k baa, haddaba, isu beddela -h marka uu raaco magac ku dhammaada shaqalka -o ama -e. Tusaale
ahaan:
Caano
Kabo
+ ka
+ ka
= Caanaha
= Kabaha
4
Wade
+ ka
Waxa kale oo uu xarafka
Tusaale ahaan:
Dhurwaa + ka
Hu'
+ ka
Qori
+ ka
Erey
+ ka
Cadow + ka
Rag
+ ka
= Wadaha
-k isu beddelaa -g kolka uu raaco magac ku dhammaada, aa, u, y, i, w, ama g.
= Dhurwaaga
= Hu'ga
= Qoriga
= Ereyga
= Cadowga
= Ragga
Kolalka qaarkood xarafkaasi (-k) wuu abraaraa markuu raaco magac ku dhammaada xarfaha kala ah: h, x,
q, c, iyo kh. Tusaale ahaan:
Mulac + ka
= Mulaca
Qiiq
+ ka
= Qiiqa
Madax + ka
= Madaxa
Tookh + ka
= Tookha
Rah
+ ka
= Raha
Qodobka -ta isna wuu isbeddelaa oo wuxuu isu beddelaa: -da, -sha. Xarafka -t baana noqda -d markuu
raaco magac ku dhammaada shaqal ama xarfaha kala ah: d, c, x, h, y, firgin ('). Tusaale ahaan:
Maro + ta
Lo'
+ ta
Irrid
+ ta
Duluc + ta
Qodax + ta
Bah
+ ta
Beeraley + ta
= Marada
= Lo'da
= Irridda
= Dulucda
= Qodaxda
= Bahda
= Beeraleyda
Markay -t ku xigsato -l waxay labada cod, haddaba, isku noqdaan -sh. Tusaale ahaan:
Macal
Ul
Il
Calool
+ ta
+ ta
+ ta
+ ta
= Macasha
= Usha
= isha
= Caloosha
Maaha xeer qof dejiyey ee waa abuurtii afku sida ay u samaysantay. Aqoonyahanku, inta badan, xeer ma
dejiyo ee mid jirey buu gartaa sida uu u hawl galo oo uu qeexaa. Meelo badan buu qoruhu ku tookhayaa
inuu xeerar dejiyey, meelo kalana xeerarkii jirey buu ku tumanayaa. Tusaale ahaan, ereyga 'Calool' sida kor
ku xusan wuxuu noqdaa kolka uu qodobkiisu raaco 'Caloosha'. Qaamuuskana waxa ku qoran 'Caloolsha'.
Sidaan hore u soo tibaaxay, labada xaraf ee 'l' iyo 't' baa kolkay isku darmaan noqda 'sha'. Haddii aragtida
qoraha la qaato waxay noqonaysaa inuu xarafka 't' noqdo 'sh'. Taasina maaha arrin dhab ah. Hadal iyo
dhammaantii, in labadii xaraf ee meeshaba ka baxay midna la soo cesho midna laga tagaa waa arrin iyana
ila gurracan. Haddii aragtida qaamuuska ku qoran la qaato ereyo badan bey noqoneysaa in isirkooda aan
laga tegin. Tusaale ahaan ereyga 'nin' wadartiisu waa 'niman'. Aragtida cusub haddii lagu dhaqmo wuxuu
noqonayaa 'ninman'. Ereyga kale ee ah 'inan' isna wadartiisu waa 'innamo'. Aragtida cusubna wuxuu ku
noqonayaa 'inannamo'.
5
Ereyada falka ihi waxay noqdaan magac faleed. Tusaale ahaan: cun = cunid. Marka hawsha cunidda
lafteeda la tilmaamayo waa 'cunitaan'. Markaan, haddaba, 'cunitaan' qorayey, way ii caddayd inuu ereygu
ahaa cunid. Hayeeshee qoruhu arrinta caynkaasa ayuu u qorayaa 'Cunidtaan'. Haddii uu rabay inuu
tilmaamo isirka ereyga iyo sida ay ereyadu isu beddelaan waxay ahayd inuu buug naxwaha u gaar ah qoro,
ee may ahayn inuu qoridda afka sidaasi u qoro.
Sababta ay dhawaaqyadu isu beddelaan waxa lagu qeexaa sida ay u samaysmaan dhawaaqyada afafku.
Sidaasi awgeed xarafka 'd' waxa loo yaqaan 'voiced dental ploisive', 't'na waxa loo yaqaan 'Voiceless
dental ploisive'. Sidaasi awgeed ayey 'd'-du u bannaysaa kaalinteeda xarafka 't' kolka ay 'd' iyo 't' is
xigsadaan. Marka haddaba la qoro 'Cunidtaan' waxaad dareemeysaa iney meesha ka maqantahay
adeegsigii aqoonta isasaamaynta dhawaaqayadu.
Waxtarka iyo dhibaatada uu buuggu soo kordhiyey:
Hawl kasta oo la galaa waxtar iyo waxyeellaba way yeelataa. Wayse kala bataan. Sida ay u kula bataan
baana lagu qiimeeyaa. Haddii hawsha waxtarkeedu bato waxa loo arkaa guul u soo hoyatey ciddi hawsha
faraha kula jirtey. Marka waxtarkeedu yaraadase, way caddahay in la odhanayo hawshaasi waxay noqotay
hal bacaad lagu lisey.
Waxaan haddaba isu foodin waxtarka iyo waxyeellada Qaamuuskani soo kordhiyey, waxanan u kala qaadi
laba qaybood. Ta hore, waxan qirayaa in lagu soo ururiyey ereyadii u badnaa ee ilaa hadda lagu soo
ururshey qaamuus Soomaaliyeed oo sooc ah. Waxa jira Qaamuusyo Af-soomaali iyo afaf-shisheeye ah oo
tiradaa in ka badan lagu soo ururiyey. Tusaale ahaan qaamuuska la yidhaa Dizionario Somalo-Italiano
(1985) waxa lagu soo ururiyey ilaa 50 kun oo erey. Runtii hawshaasi waa hawl dhaxal gal ah oo uu qoruhu
ammaanteeda leeyahay. Ujeeddaduse maaha xubnihii guddiyadii afsoomaaligu inaanay awooddaa iyo
kartidaa midna lahayn, ee waxay ahayd ayaga oo rabay iney la jaan qaadaan horumarka afka. Waxa jirey
aragtiyo badan oo laysku hayey oo la rabey in meel laysla dhigo sida falka oo kale. Dhanka falka laba
aragtiyood baa jira. Dadka qaar waxay u arkaan in falka Soomaaligu yahay kolka uu wax faridda yahay.
Tusaale ahaan, cun, cab, caddee, wanaaji, tag, iwm. Qayb kale ayaa u aragta inuu falku yahay kolka
ereygu falmagaceed noqdo. Tusaale ahaan, cunid, cabbid, tegid, iwm. Sida ku xusan gogoldhigga
Qaamuuska Yaasiin waxa laysla gartay inaan lagu degdegin inta laysla meel dhigayo. Sidaasi awgeed ereyo
badan baan lagu darin hayeeshee la ururshey oo kaydsanaa. Runtii, waxan dareensanahay in waxyeellada
buuggani aad uga badan tahay waxtarkiisa. Waxanan u qodobbayn sidan hoos ku qoran:
1. Wuxuu dib u furay murankii iyo anaa idhidii.
2. Wuxuu meesha ka saaray u kala dambayntii iyo isku tixgelintii aqoonta.
3. Wuxu suldaaro u dhigey horumarkii Afka ee majaraha haystey.
4. Wuxu ku tuntay sidii aan soo sheegey xeerarkii laysla meel dhigey.
5. Dhibaatooyinka afka ka jira ee u baahnaa in wax laga qabto, sida kuwa hoos ku xusan, qaamuusku
waxba kamuu odhan.
Dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in wax laga qabto:
Dhibaatooyin badan baa af Soomaaliga ka jira. Qof kasta oo arrimaha afka ku gudajirana waxa laga filayaa
inuu dhaado iskuna taxalujiyo sidii uu wax uga qaban lahaa. Gaar ahaan ciddii isku dayda iney qaamuus
qorto waxa la gudboon iney arrintaa xilweyn iska saarto. Dhibaatooyinka Af Soomaaliga ka jira una baahan
in wax laga qabto waxan kaga hadlay kuna soo bandhigay qoraal uu ladhkiisu ahaa Xasilloonidarrada Af
Soomaaliga, kaasi oo ku soo baxay warsidaha la yidhaa Hal-aqoon (Xidhmada 2 tirsigii laad & 2aad),
kadib wuxuu qoraalku ku soobaxay dhawr degel oo ka mid ah degellada ay Soomaalidu ku leedahay
Internet-ka. Waxana ka mid ah: www.somalitalk.com, www.somalieducation.com , www.farsbaxan.com
iyo qaarkale. Qoraalkaasi waxan ku tilmaamay in 1972kii xuruufta laatiinka loo qaatay in Af-soomaaliga
lagu qoro. Hayeeshee aan la guddoomin in isku si loo qoro. Waxan ujeedey lama qeexin sida loo kala
duwayo qoraalka iyo hadalka. Arrintaasina, runtii, waxay dhalisay in qofkastaa afka u qoro sida uu isagu
ugu hadlo. Tusaale ahaan:
6
1.
Shibbanayaasha:
a)
DH
Adhi
Foodhi
Yidhi
Cadho
Gabadh
R
Ari
Foori
Yiri
Caro
Gabar
b)
B
Laba
Habeen
Toban
Tabar
M
Lama
Hameen
Toman
Tamar
C)
C
Candhuuf
Q
Qandhuuf
d)
D
Bud
dh
budh
e)
X
Xaako
Kh
Khaakho
f)
M
Shimbir
Sambab
Dambe
Gambo
g) J
mooji
jaxaas
2.
N
Shinbir
Sanbab
Danbe
Ganbo
Y
mooyi
yaxaas
Shaqallada:
a)
I
Dib
U
Dub
b)
0
Gobol
A
Gabal
c)
U
I
Dhufasho
Dhifasho
A
Tallaabo
I
Tillaabo
d)
Waxan qoraalkaas ku tilmaamay iney arrintani, runtii, dhibaato xoog leh ku hayso dad badan oo afka barta
oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxan weliba tibaaxay, dhab ahaanna, inaanay dhibaatadu ahayn mid af
Soomaaliga keli ku ah ee ay afaf badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan yahay inaynu dhugmo
(fiiro) gaar ah u yeelanno. Afafkaa waxa ka mid ah af Carabiga. Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta,
dadku xarafka Kaaf ‘’ waxay ugu dhawaaqaan Jiim ‘‫’ج‬. Marka ay isbariidinayaanna waxay yidhaahaan
‘Jeef xaalaj? ‘ ’. Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto waxay qoraan ‘Keef xaalak ‘ ’. Dalka
Masar dadkiisu xarafka ‘Qaaf waxay ugu dhawaaqaan ‘A‫ ’أ‬Marka uu haddaba qof Masriyihi doonayo
7
inuu kugu yidhaa ‘waxan ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘‫’أأ‬. Hase ahaatee kolka uu qoraal maago
waxa uu qorayaa ‘Aqullak ‫’أ‬.
Afka Ruushka ayaan isna tusaale u soo qaatay, waxanan sheegey inaan aragtidaas mid la mid ah ka
helayno. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf ka ‘g’ waxay
ugu dhawaaqaan ‘H’. Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa af Ruush’ wuxuu ku
odhanayaa ‘Yaa habaaruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu
baa Ruski’.
Γ (ga)
Η (ha)
Waxan intaa raaciyey in Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale ay jirto. Tusaale a-haan magaalamadaxda
Kanada dadka reer Kanada waxay ugu dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo waa ‘Ottawa’.
Ereyada kala ah ‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’, ‘Bodhom’ iyo ‘Badhar’.
Waxa tilmaan gaar ah ayana mudan ereyada isku dhigmada ah hayeeshee kala dhihidda ah oo ay adagtahay
in la kala saaraa. Tusaale ahaan:
Addoon
Awr
Baqal
Baraarug
Beer
Curad
Dameer
- Addoon
- Awr
- Baqal
- Baraarug
- Beer
- Curad
- Dameer
Haddii erey kasta oo ereyadaasi ka mid ah qodobkiisa la raaciyo si hawlyar baa loo kala garan karaa sida:
Addoon(-ka)
Awr(-ka)
Baqal(-ka)
Baraarug(-ga)
Beer(-ka)
Curad(-ka)
Dameer(ka)
- Addoon(-ta)
- Awr(-ta)
- Baqal(-sha)
- Baraarug(-ta)
- Beer(-ta)
- Curad(-da)
- Dameer(-ta)
Waxa, haddaba, jirta mar aanay ereyadaasi qaadan karin qodobbo oo ay adagtahay in la kala saaraa.
Kolkaasi oo ah kolka ay ereyadu weedho ku jiraan. Tusaale ahaan, haddii la yidhaa:
Xaddiyo inan bay ummushay.
Geeddi baa gool dilay.
Shukri waa curad.
Cali dameer buu fuulay.
Baqal baan arkay.
Weedha hore lama kala garan karo inay Xaddiyo gabadh ummushay iyo iney wiil ummushay. Midda
labaadna lama sheegi karo inuu Geeddi awr gool ah dilay iyo inuu baranbarqo dilay. Shukri ma curaddii
reerkaa mise waa curadkii? Cali muxuu fuulay? ma dameerkoodii mise dameertoodii? Aniga qudhaydu
maxaan arkay? ma baqalkii la cunayey mise baqashii gammaanka ahayd?
Ereyada shaqalka culus iyo kuwa shaqalka fudud baa qudhoodu u baahan in qoraalka lagu kala qeexo sida:
Dul(-ka)
Duud(-da)
Daaf(-ka)
Duulid(-da)
- Dul(-sha)
- Duud(-ka)
- Daaf(-ta)
- Duulid(-da)
8
Tusaalooyinkii hore (kuwa dhawaaqyada) waxa innooga dhuroobey iney jiraan dad badan oo
dhibaatooyinka aan ka cabanayno soo maray oo aan la wadaagno. Hayeeshee ay si habboon oon turxaan
lahayn u maareeyeen. Waxa kale oo halkaa innooga muuqata in afkii loo kala saaray mid qoraalka u
goonniya oo laga simanyahay iyo mid hadalka u gaar ah oo qofkastaa u hadlo sida uu isagu jecel yahay.
Waxa kale oo tilmaan mudan in la sheego inaanay dadkaasi afkooda kala sheeganin ama kala xigteysanin.
Haddaba, sida keliya ee uu Af-soomaaliguna dhibaatadaa kaga bixikaraa waa iyada oo afka loo kala saaro
sida afafkaa aan soo tilmaamay:
a)Af qoraalka u gaar ah, iyo
b)Af hadalka u goonniya ( af-guri ).
Midhkaas oo aan ula jeedo inaan qof waliba u qorin afka sida uu isagu ugu dhawaaqo ee uu af Soomaaligu
noqdo, sida afafka kale, mid si loo wada qoro. Waxa haddaba isweydiin leh sida loo xulanayo dhawaaqa la
qaadanayo. Qof ahaan waxa aniga ila qumman in laba arrimood mid la yeelo. Waa ta koobaade in la qabto
guddi-aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay kana kooban dhammaan deegaanka Af-soomaaliga lagaga
hadlo. Guddidaas oo xilkeedu noqon doono inay inoo soo xusho dhawaaqa aan qoraalka u qaadandoonno
ayaka oo ka eegaya dhinacyo badan sida: naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa iyo weliba aragtiyo kale oo
laga yaabo iney jiraan hayeeshee aanan hadda haabka ku hayn. Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo oo
dhawaaqa loo bato qoraalka loo qaato iyada oon loo arkayn, kii la doonaba ha la qaatee, in dhawaaqa la
qaataa ka wanaag sanyahay kuwa kale een la qaadan.
Tusaalooyinka dambe dhawr aqoonyahan baa isku deyey iney wax ka qabtaan. Tusaale ahaan Dr. Yaasiin
C. Keenadiid wuxuu ku adeegsaday buuggiisa la yidhaa Qaamuuska Af-Soomaaliga (1976) astaantan soo
socota:
Dulº (-ka)
Duuf° (-ka)
Duudsi°(-ga)
Duulidº (-da)
Waxa ayana astaanta hoos ku qoran ku adeegsaday buugga la yidhaa Dizionario Somalo-Italiano (1985)
aqoonyahannada kala ah Ciise Maxamed Siyaad, Agostini, Francesco, and Annarita Puglielli:
Dul (-ka)
Duu f (-ka)
Duu dsi(-ga)
Duu lid (-da)
Aniga qudhaydu waxan damcay inaan ku adeegsado buugga la yidhaa Abwaan cusub oo Af-soomaali iyo
Af-ingiriisiya (1995) astaan ka geddisan kuwa aan sheegay. Tusaale ahaan:
_
Dul (-ka)
_
Duuf (-ka)
_
Duudsi(-ga)
_
Duulid (-da)
Haseyeeshee, markii aan ogaaday iney jiraan aqoonyahanno arrinka ku hawlaa iskuna deyey iney hortey
wax ka qabtaan ayaan go’aansaday inaan uga hadho kalana doorto labadaa astaamood ee ay adeegsadeen.
9
Waxanan qaatay midda dambe, iyada oo ay ujeeddadaydu ahayd inaan lays barbar cararin, qof walibana
doonin in la yidhaa isaga ayaa tiisii la qaatay. Haddii aragtiyo kale la keenayana waa arrin furan.
Astaamahaasi waxay gaar u yihiin, sida muuqata, ereyada shaqalladoodu culusyihiin iyo kuwa la dhigidda
ah oo qudha, kuwaasi oo ayana u baahan in la mideeyo. Kuwa isku dhigidda iyo kala dhihidda ah een soo
tilmaamayna waxa habboon oo lagama maarmaan ah in ayana astaamo kuwaa la mid ah ama ka geddisan
lagu adeegsado. Tusaale ahaan:
Xaddiyo ínan(wiil) bay ummushay.
Xaddiyo inán(gabadh) bay ummushay.
Geeddi baa gòol(awr) dilay.
Geeddi baa góol(baranbarqo) dilay
Shukri waa cúrad.
Shukri waa curád.
Damèer baan fuulay.
Daméer baan fuulay.
Báqal baan arkay.
Baqál baan arkay.
Hadal iyo dhammaantii, qoraalkan waxan dhawr erey ka idhi bilicda buugga. Anigaoon ku talaxtegin,
waxan si kooban uga hadlay mahadhadii Af Soomaaliga iyo heerarkii kala duwanaa ee uu kasoo
gudbey iyo go'aannadii wax-ku-oolka ahaa ee ay guddiyadii Afsoomaaligu gaadheen. Waxan si aan
turxaan lahayn u gorfeeyey aragtida uu buuggu ku salaysan yahay. Waxa wax ka sheegey wuxuu
buuggu dhib iyo dheef labadaba soo kordhiyey. Ugu dambayntii waxan ku soo gabagabeeyey
dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax looga qabto. Dhibaatooyinkaas aan
sheegey Abwaanku (Qaamuusku) wax-ka-qabasho ha joogtee, muu soo hadal qaadin. Afkuna ururin
qudha uma baahna ee horumarin badan baa u dhiman oo uu u baahan yahay.
10
Raadraac
Abraham,R.C. 1964, Somali-English Dictionary, London: University of London Press (reprinted
in 1968 ).
Agostini, Francesco, Annarita Puglielli and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.) 1985 Dizionario
Somalo-Italiano Rome: Cooperazione Italiana allo Sviluppo.
Armstrong, Lilias E. The phonetic structure of Somali, republished by Gregg International
Publishers Limited, 1964
Andrzejewski, B. W. The development of a national orthography in Somalia and the
modernization of the Somali language, Horn of Africa ( journal ), Vol.1 No.3, July /
September 1987.
Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo". Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya: A
Modern Somali-English Dictionary, printed by Ottawa Roman Catholic Separate School
Board, 1995. xxix,468 pp.
___ Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo Naanaysaha Soomaaliyeed,
published by the author, Ottawa, September 1998. 1st edition. x, 209pp.
___ Xasilloonidarrada Af-soomaaliga, Hal-aqoon Journal, Xidhmada II aad , tirsiga 1 aad,iyo ka
2aad Jan/Ogost. 2002, 37-42p.
Cabdalla C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi A. Qaamuus Af Talyaani-Soomaali, Daabacaaddii
Koowaad, 1985. xii,180pp.
Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Puglielli. Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, HAAN
Associates, London, 1999, x, 304pp
Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame Xirsi. Af-garad: Qaamuus IngiriisiSoomaali/English-Somali Dictionary, Mogadisho.
Caney, John Charles. The Modernisation of Somali Vocabulary, with Particular Reference to the
Period from 1972 to the Present. (Hamburg: Helmut Buske, 1984)
D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan. Abwaan Urursan Af-soomaali iyo Ruusha,
Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp.
Luling, Virginia. Somali-English Dictionary, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 605pp.
Maxamed Cabdi Maxamed. Eraybixin Soomaali-Faransiis/Lexique Somali-Francis, Besancon,
1987. ix, 128pp.
____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris, 1986. ix, 598pp
.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal(edited by B.W. Andrzejewski). Xikmad Soomaali, Oxford
University Press, London, 1956, xi,150pp.
Saalax Xaashi Carab. Qaamuus – Ereykoobe, Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista
Jabbuuti, Jabbuuti, 2004, xxvi, 576pp.
11
Saeed, John Ibraahim. Somali Reference Grammar, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi,
275pp
Shire Jaamac Axmed. Naxwaha Af Soomaaliga, Akadeemiyaha Dhaqanka wasaaradda Hiddaha
iyo Tacliinta sare, Xamar, 1976.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaa rinta,Eray-bixin, Muqdisho.
http://www.hamrey.com/index.php/articleview/1323/1/8/
12